Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 517 Feb.3, 2004

Sidee looga ciiday magaalooyinka Somaliland?

Reer Laas-Caanood Oo Ku Gacan-Saydhay Dalab Uu Maamulka C/Laahi Yuusuf Ciidamo Ku Ururinayay

C/Laahi Yuusuf Iyo C/Qaasim Oo Isu-Xulufaystay Collaadinta Somaliland Iyo Itoobiya

Burburkii Midowga Somaliya Iyo Raadka Uu Kaga Tegay Koonfurta Somaliya
Qaybtii 8-aad

Xubno Baarlamaanka
Iran Ah Oo Iska Casiley Xilkoodii

Xiisadda Ka Dhex Aloosan BBC-da
Iyo Blair Oo Cirka Isku Sii Shareertay

200-Qof Oo Ku Dhintay Dooni Ku Qara-Qarantay Webiga Congo

244 Xujaaj Ah Oo Ku Dhintay
Is-Cidhiidhi Ka Dhacay Dhagax-Tuurka Caqaba

340 Ciraaqiyiin Ah Oo
Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Soo Gaadhay Qaraxyo Ka Dhacay Ciraaq

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wiil La Moodyoo,
Loo Wan-Qalli Gaadh

AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 36aad

GEDDEENAAS OO KALEY GEEDUHU NAF U LEEYIHIIN
Maxaad Ka Taqaan Dhirta Iyo Deegaanka?

CILMIGA & TIKNOOLAJIGA: Barashada Kumbuyuutarka Casharka 22
Xawaaraha Hard Disk-ga

WAADIGA CIYAARAHA: Ciidamada Somaliland Iyo Itoobiya Oo Maanta Ciyaar-Saaxiibtinimo Ku Dhexmarayso Hargeysa

Ururka Somaliland Youth & Sports Oo Deeq Kubado Ah
Soo Gaadhsiiyay Kooxo Hargeysa Ah

Getting out the Muslim vote

"There is a sense of crisis in the Muslim community," says Jamal Gabobe, a U.S. citizen born in Somaliland.
By Kari Huus
Reporter

MSNBC

Sidee looga ciiday magaalooyinka Somaliland?

Hargeysa 03 Feb-. 2004 - (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa shalay salaadii Ciiddal Adxa kula tukaday boqolaal dadweynaha magaalada Hargeysa ah Masjid Jaamaca weyn ee ku yaal badhtamaha magaalada Hargeysa, wuxuuna madaxweyne Rayaale salaadii ciidka ka dib shacbiga Somaliland ugu duceeyey munaasibadaa, isagoo Illaahay uga baryay inay shacbiga Somaliland sanadka sanadka kiisa ku gaadhaan horumar iyo Badhaadhe, isla markaana wuxuu salaan ku saabsan munaasibada ciidda u diray shacbiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo shucuubta islaamkaba.

Hase ahaatee Madaxweyne Rayaale oo ay dadka qaar u dheg taagayeen inuu ereyo kooban oo ku saabsan xaalada Dalku marayo uga faai’daysan doono munaasibada ciida ayaa haba yaraatee soo qaadin wax ku saabsan siyaasad iyo wax la xidhiidha xaaladaha duruufaha nolosha iyo biyo la’aanta sida weyn looga dareemayay magaalada Hargeysa maalmihii u danbeeyay, isla markaana ma jirin wax bushaarooyin cusub ah oo uu madaxweynuhu dadka u sheegay, iyadoo ay madaxda islaamku munaasibadahan oo kale ugu bushaareeyaan shacbigooda waxyaabo rajooyin cusub geliya noloshooda.

Salaada ciidda waxa kaloo lagu tukaday garoonka weyn ee Hargeysa Stadium, masaajidada iyo meelaha fagaareyaasha ah, halkaas oo ay culimadu salaada ka dib ducooyin iyo wacdiyo diiniya dadka u soo jeediyeen. Iyadoo ay dadku salaadii ka dib u soo jeesteen inay isugu bushaareeyaan munaasibada, balse marka laga yimaado duruufaha nololeed ee kala duwan, waxa si weyn ay shalay dadweynaha magaalada Hargeysa u hadal hayaan biyo la’aan, iyadoo ay dadka qaar habeenadii u danbeeyey ku wareegayeen qasabadaha oo ay qaarkood caagado meelahaa qasabadaha ee biyaha laga dhaansado kula yaacayeen, waxa ugu badan ee ay xaafaduhu is weydiinayeena waxay ahaayeen biyo. Waxayna munaasibada ciiddu ku soo beegantay xili ay dadweynaha magaalada Hargeysa soo food saartay biyo la’aan ay ka cabanayeen sanadii u danbeeyey oo soo noq-noqonaysay, iyadoo meelaha qaar ay foostada biyaha ah qiimaheedu gaadhay 15000 (shan iyo toban kun) oo lacagta Somaliland ah, taas oo keentay inay qoysas badan oo sabool ahi waayeen waxay dheriga dabka ku saaraan, kuwaas oo haweysan waayey inay iibsadaan biyo ay wixii ay haysteen ku karsadaan, halka ay qaar kalena lacagtoodii ku waayeen biyo waxaana la dareemayay habeenadii u danbeeyay iyadoo ay dadkaas oo ka yimi xaafado fog fogi baadi doon ugu jireen biyo, kuwaas oo la wareegayay Caagado iyo shirikaamo.

Hase ahaatee marka laga yimaado xaaladaha nololeed, duruufaha kala duwan iyo biyo la,aanta waxay dadweynaha magaalada hargeysi shalay ku jireen damaashaadka munaasibada maalinta ciidda.

Dhinaca kale Gobolada iyo Degmooyinka Dalka Somaliland ayaa shalay laga tukaday salaada Ciidda, iyadoo ay dadku meelaha fagaarayaasha, garoomada iyo masaajidada ku tukadeen, waxayna sida ay soo tebiyeen weriyayaasha Haatuf ee gobolada Somaliland culimadu dadka salaada ka dib u jeediyeen wacdiyo diiniya, inkastoo ay dadweynaha deegaamada Somaliland duruufo iyo waayo kala duwan ku ciideen, hadana waxay gebi ahaan ku ciideen farxad iyo ray-rayn, iyadoo ay masuuliyiinta Dawlada ee dadweynaha kula tukaday Gobolada iyo Degmooyinku aanay ka hadlin wax siyaasada, isla markaana aanay jirin waxay ugu bushaareeyeen oo cusubi, balse magaalada gebilay dadweynihii isugu soo baxay gudashada salaada ciidda ka dib sida uu soo tebiyay weriyaha Haatuf ee gebilay waxa uu Duqa cusub ee Degmada gebilay Maxamed Cabaas jaamac oo dadweynaha la hadlay sheegay inay wax ka qabanayaan falal ay sheegeen culimadu inay ku kacaan habeenkii dhalinyaradu, isla markaana waxa kaloo uu ka hadlay dhibaatooyinka dhulka oo uu sheegay inay wax laga qaban doonaan.

Top


Reer Laas-Caanood Oo Ku Gacan-Saydhay Dalab Uu Maamulka C/Laahi Yuusuf Ciidamo Ku Ururinayay

Laas-caanood (Haatuf): Saraakiisha ciidamada Puntland ee ku soo duulay Laas-caanood ayaa dalbaday ciidamo ay soo uruuriyaan beelaha gobolka Sool, waxayna sidaas ku sheegeen shir maalintii Arbacadii todobaadkii ina dhaafay ay la yeesheen reer Laas-caanood. Shirkaas oo ka dhacay Hoolka Dawladda Hoose ee magaalada, waxa ka soo qayb galay garaad Saleebaan garaad Maxamed, waxayna warar xogogaali ahi sheegeen in uu dalabka garaadku ka biyo diiday “Saw idinkii na lahaa cidaamaa xeryaha nooga buuxa waa maxay ciidamada aad naga doonaysaan, nimanyahow waxaad gobolka ku difaacan lahaydeen baanu idinka rabnaa”. Sidaa waxa yidhi garaad Saleebaan oo ka dhex booday shirkaa.

Inkasta oo aan dalabkaa saraakiisha wax balana loo qaadin oo ciidamo loogu soo uruurinayo hadana waxay arrintani fajiciso ku noqotay garaad Saleebaan oo ah saaxiibka gaarka ah ee C/laahi Yuusuf, kaas oo ka soo horjeeda in ciidamada soo duuley ay ka baxaan magaalada kuna noqdaan halkii ay ka yimaadeen ee Garoowe.

Odayaashii iyo wax-garadkii ka soo qayb galay shirkaa iyo saraakiishii ciidamada ayaa la sheegay inaan wax is-afgarad ahi dhexmarin loona balamay shir dambe in laysugu yimaado todobaadkan, si arrinta halkaa looga sii amba qaado.

Dhinaca kale ciidamada Puntland ee jooga Laas-caanood ayaa la sheegayaa in ay keli keli iyo koox koox u baxsadaan ama ay u fasax qaataan dhinaca Garoowe ka dibna aanay dib u soo noqon, kuwaas oo ka soo horjeeda joogitaan ciidamadooda ee Laas-caanood iyo baqo ay ka qabaan kumanaanka ciidamada iyo tiknikada ah ee ay xukuumada Somaliland soo dul dhigtay Laas-caanood, taas oo walaac iyo baqo gelisay ciidamada Puntland.

Top


C/Laahi Yuusuf Iyo C/Qaasim Oo Isu-Xulufaystay Collaadinta Somaliland Iyo Itoobiya

Nairobi, Feb 2, 2004 (Haatuf) – Labada Hogaamiye-kooxeed ee C/Qaasim Salaad iyo C/laahi Yuusuf, ayaa kulamo is-daba-joog ah oo ay dhawaan ku yeesheen magaalada Nairobi, isku af-gartay inay abuurraan is-xulafaysi ku waajahan labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhawdhaw wada-hadallada kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya, labada hogaamiye-kooxeed waxay heshiis ku gaadheen inay soo af-jaraan colaadii siyaasadeed ee ka dhex aloosnayd tan iyo shirkii Carta lagu qabtay sannadkii 2000kii, waxaanay isku af-garteen inay yeeshaan iskaashi siyaasadeed oo ku aaddan geedi-socodka shirka kooxaha Soomaalida uga socda Nairobi.

Wararku waxay intaas ku darayaan in C/laahi Yuusuf ogolaaday inuu C/Qaasim uga tanaasulo, taageerana ku siiyo loolanka jagada Madaxweynaha Soomaaliya, halka C/Qaasim uu C/laahi Yuusuf u ballanqaaday jagada Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo uu sheegay in haddii uu ku guulaysto jagada Madaxweynaha Soomaaliya uu xilka Ra’iisal-wasaaraha u magacaabi doono C/laahi Yuusuf.

Waxa kale oo la sheegay in labada nin ay isla meel dhigeen, qorshe ay isku hor taagayaan gooni isu-taaga dalka Somaliland, iyada oo ay haatan isa soo tarayaan warar sheegaya in qodobbada heshiiskooda ay ka mid tahay in la mijo-xaabiyo nabadda iyo deganaanshaha ka jira Somaliland, isla markaana in muddada shirka Nairobi socdo ay culayska saaraan sidii urur-gobolleedka IGAD iyo dawladaha reer Galbeedka ay ugu qancin lahaayeen inay go’doomin ku soo rogaan xukuumadda Somaliland oo ku qasbaan inay hoos-timaado dawladda lagu sameyn doono Nairobi, iyada oo C/Qaasim iyo C/laahi Yuusuf isu diyaarinayaan inay noqdaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal-Wasaaraha dawladda cusub.

Wararku waxa kale oo ay intaas ku darayaan in C/laahi Yuusuf iyo C/Qaasim Salaad ay ku heshiiyeen inay dawladda Itoobiya ku qaadaan olole dacaayad ah oo ay kaga fogaynayaan shirka kooxaha Soomaalida, iyagoo abuuraya boro-bagaando ka dhan ah Itoobiya, isla markaana la kaashanaya taas Jabhadda ku kacsan Itoobiya ee ONLF, taas oo waqtigaaba la sheegay inay ka mid tahay malayshiyadda C/laahi Yuusuf ee ku soo xad-gudubtay xuduudda Somaliland, iyadoo uu C/Qaasim Salaad Xasan ka hadlay arrintaas kadib markii uu Muqdisho imi ayaa sheegay in ka maqnaanshaha shirka ee dawladda Itoobiya ay tahay guul ay soo hooyeen dawladda ku-meelgaadhka ahi, isagoo sheegay inay meel walba ka sheegeen inay Soomaalidu ka heshiin la’ dahay dawladda Itoobiya, taas oo uu sheegay inay soo dedejisay hadafka Itoobiya ee ahaa in aanay Soomaalidu wax heshiis ah oo buuxa gaadhin, wuxuuna C/Qaasim ku andacooday inay Itoobiya ku dedaalayso sidii ay heshiiskan u kala furfuri lahayd, wuxuuna ugu baaqay baaqay dadweynaha inay la shaqeeyaan dawladda ka dhallan doonta Shirka Soomaalida ee Nairobi.

C/Qaasim oo ka hadlayay maqnaanshaha Somaliland ee shirka iyo heshiiskii ay gaadheen kooxaha Soomaalida ee Nairobi, wuxuu sheegay in aanay ka maqnayn dawladda Ku-meel-gaadhka ah xubnihii Waqooyigu, balse waxa uu sheegay in ay maamulka Somaliland diideen inay ka qayb-qaataan shirka kooxaha Soomaalida ee Nairobi.

Top


Burburkii Midowga Somaliya Iyo Raadka Uu Kaga Tegay Koonfurta Somaliya
Qaybtii 8-aad

Si kastaba ha ahaatee, shirkii dib u heshiisiineed ee 14 aad ee koonfurta Somaliya loo qabto ee qabanqaabadiisa loo xilsaaray dawladaha safka hore ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ee ka tirsan urur gobolleed IGAD ayaa dhawr taariikhood oo kala dambeeyey oo qabashadiisa loo wada cayimay horraantii sanadkii 2002 ay marar badan suurogeli waayeen. Ugu dambayntii waxa lagu guulaystay in shirkaasi qabsoomo dabayaaqadii sanadka, waxaanu shirkaasi 15/10/2002 si rasmi ah uga furmay magaalada Eldoret ee Kenya. Waxa qabanqaabiyayaasha IGAD u suurto gashay inay dagaal oogayaashii Somaliya intooda badan ku qanciyaan ka soo qayb galka shirka Kenya.

Inkasta oo qabqablayaasha shirka k aqayb galay in badan oo ka mid ahi mar walba ku doodayeen in aan dadka Somaliyeed ee shirka qabtay aanay haddana talada maamulkiisa u madax bannaanayn oo dawladdaha IGAD ee qabashadiisa loo xilsaaray ay arrin iyo adduunba gacanta ugu hayaan oo maamulka shirkuna ayaga u af-duuban yahay aanu haddana shirka ka fulin go’aan aan ergada Somalidu isku wafaqin . qabanqaabiyayaasha shirku waxay qorshaha jadwalkiisu ugu talogaleen in uu socdo muddo laba bilood ah, hase yeeshee waxa uu noqday shirkii muddada ugu dheer ku qaatay bulshada caalamka. Iyadoo hogaamiye kooxeedyada shirkaa isugu yimid yihiin dagaal oogayaashii isugu colaadda badnaa ee aan ilaa hadda hadday isu haad helaan midna mid bixinayn darteed ayaa horumarka hawlaha shirkaasi mar walba u yaraayeen una gaabinayeen, iyadoo bulshada caalamku si wayn ugu dedaalaysa in hogaamiye kooxeed kasta oo arrin siyaasadeed iyo ciidanba ku xidhmi karo ama si toos ah iyo si dadbanba habsami u socodka shirka uga soo qayb geli lahaa, goob joogna uga noqon lahaa la suurogeliyo.

Arrintaasi waxay keentay in mid u qalma iyo mid aan u qalminba la suubo salaaxo oo damaciisa iyo dalabkiisaba si buuxda loogu tixgeliyo oo hadduu cadhoodo ama shirka ska dudo laga daba tago oo inta la soo maslaxaayo socodkii shirka loo hakinayo, taas oo sababtay jiitanka geeddi socodka shirka ragaadiyey.

Ninka C/qaasim Salaad la yidhaa waxa u qoondaysnaa barnaamij u gaar ah oo qorshihiisu ahaa in uu magaalada Marka ku qabto shir uu qabanqaabadiisa iyo maamulkiisaba isagu leeyahay oo uu ugu talogalay in isag dib logu soo doorto xilka madaxweynanimada si magaca kooxdiisu u sii jirto. Shirka Kenya lagu qabtay oo qorshihii talogalkiisa ka mijo xaabiyay ayuu Cabdi Qaasim si wayn uga soo horjeestay oo siduu u carqaladayn lahaa geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay, waxaanu awooddiisa isugu geeyay siduu kooxdiisa Carta uga baajin lahaa ka qaybgalka shirka. Rag badan oo xubnaha maamulkiisa sare ka mid ah oo ay hormood ka yihiin Ra’iisal wasaare Xasan Abshir iyo gudoomiyaha golaha baarlamaanka Cabdalla Deerow ayaa C/qaasim kaga mawqif duwanaa aragtidiisa shirka Kenya oo ayagu qabashadiisa iyo ka qaybgalkiisaba si wayn u taageersanaa, aadna ugu dheganaa. Ka dib markay wada tashi muddo dheer socday ka yeesheen arrinta shirka Kenya ayaa goleyaasha maamulka kooxda Carta ay miisaankii taladoodu u badatay in shirka si toos ah looga qayb galo, kaalin hormood ahna looga qaato, sidaa darteedna, waxa ergadii shirka loo magacaabay dhowr iyo afartan xubnood oo ay hogaaminayaan ra’iisal wasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka kooxda Carta. Tallaabada caynkaas ahi waxay sadmad wayn ku noqotay C/qaasim oo dheeshii gacan ku haynta gudoonka talada ee gudaha garoonka kooxdiisa si wayn loogaga reeyay, arrintaasina waxay isaga iyo madaxdii kale ee goleyaasha maamulkiisa ka dhex abuurtay khilaaf siyaasadeed oo aad u qaro-wayn oo maamulkii kooxda Carta laba garab ugu kala qaybsameen.

Markay ergadii kooxda Carta shirka uga qayb gashay halkaa muddo aan badnayn joogeen ayaa C/qaasim is haysan kari waayay oo shirkii Kenya oo aan wali marxaladii koowaad ee gogol xaadhka ahaydba ka gudbin uu weeraro dhaleecayn ah ku bilaabay oo in uu ergadiisa kala noqon doono shirkana ka baxayo ku hanjabay. Tallaabadii xigtay waxa uu ergadii kooxdiisa ku amarsiiyay in ay si degdeg ah shirka uga soo baxaan, xamarna dib ugu wada noqdaan, hase yeeshee, ergadii ayaa go’aankiisa caynkaas ah si cad ugu gacan saydhay. Arrintaasi waxay si wayn u sii hurisay dhimbiishii khilaafka ee labada dhinac horeba uga dhex-oognayd, kaas oo u xuub siibtay isku dhac toos ah oo si cad loogu kala saftay. Horaantii June 2003 ayaa C/qaasim ku kala noqday oo aanay dib kooxdiisa uga wakiil ahayn. arrintaasi waxay horseeday tartan awoodeed oo haykalkii maamul ee kooxda Carta si cad ugu burburtay, waxaanay jawaabtii garabka kale noqotay in gudoomiyahii baarlamaanka Cabaddala Deerow uu 16/6/2003 ku dhawaaqay in uu xilkii madaxweynenimo kala wareegay C/qaasim ka dib markuu maamulkii Carta ee uu madaxda ka ahaa iyo dantii guud ee maslaxada ummadda Soomaaliyeed dambiyo aan lagu eegan karin ka galay.

Ka dib markuu muddo toban bilood ku dhow dalka Kenya ka socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa 6/7/2003 heshiis laga gaadhay qodobadii saldhiga u ahaa qaab dhismeedka dawladda cusubi yeelan doonto ee muddada dheer sida wayn loogu muransanaa. Qodobada ugu muhiimsanaa nuxurki heshiiska halkaa lagu gaadhay waxa ka mid ahaa:

Dhismaha xubno baarlamaan oo ka kooban 351 oo muddo afar sanadood ah shaqayn doona

Dhismaha dawlad Federal ah oo hirgelinteeda lagu dhamaystiri doono muddo ku siman laba iyo badh sano gudahood.

Meelaha maamulladu ka dhisan yihiin, sida Somaliland iyo Puntland oo loo aqoonsan doono gobollo si maamul oo dawladda Federalka ah ka mid ah

Dawladda cusub ee shirkaa lagu dhisaa waxay si degdeg ah wada hadal dib u heshiineed ula geli doontaa maamulka Somaliland.
Heshiiska caynkaas ah ee shirka Kenya lagu gaadhay waxa isla markiiba si toos ah ugu gacan saydhay madaxweynihii kooxda Carta oo ay go’aankaa wax ka saxeexeen ergadii kooxdiisa shirka uga qayb gashay ee ay hogaaminayeen ra’iisal wasaarihii iyo gudoomiyihii baarlamaankiisu.
Waxa kale oo isna heshiiskaa ku facan saydhay hogaamiye kooxeedka la yidhaa Muuse Suudi Yalaxow oo qodobada go’aankaa ku tilmaamay mid aan u cuntamayn oo aan lagu talogelin.

La soco.

Top


Xubno Baarlamaanka
Iran Ah Oo Iska Casiley Xilkoodii

Tehran (W.Wararka) Xubno ka tirsan baarlamaanka Iiraan oo gaadhaya 100 qof oo ah kuwa isbedel doonka ayaa dhamaantood iscasiley.

Waxa mudanayaashaasi ay ka soo horjeedaan go'aan ay guddiga muxaafidiinta dalka Iran ay kumannaan musharax oo isbedl doon ah kaga mamnuuceen ka qeybgalka doorashada soo socota
mid mid ayey mudaneyaashu u soo hor safteen afhayeenka baarlaanka, Mehdi Karroubi, si ay ugu dhiibaan waraaqahooda is-casilaadda.

Intii uu socday kal-fadhiga baarlamaanka oo si toos ah looga daawanayey telefishanka dawladda, Mr Karroubi, waa afhayeen baarlamaanka dalka Iran-e, waxa uu ku dhawaaqay in ay soo gaadheen is-casilaadaha 109 xubnood oo ka tirsan. Tirada guud ahaan xubnaha baarlamaanka dalka Iran-na waa 290.

Mudaneyaashu waxay isu casileen iyagoo ka cadheysan mawqifka hay'adda Golaha Ilaalada dalka Iran, oo diiday dib u soo celinta kumannaan murashaxiinta is-beddel doonka ah si ay uga qeyb galaan doorashooyinka baarlamaanka ee bisha soo socota dhici doona.

In ka badan 80 xubnood oo kuwa baarlamaanka fadhiga ah ayaa iyaguna lagu daray liiska laga mamnuucay ka qeybgalka doorashooyinkaasi dhici doona.

Mudaneyaashu waxay ku eedeeyeen Golaha Ilaalinta dastuurka Iran in ay isku dayayaan in ay wax is-daba mariyaan xilliga doorashooyinku dhacayaan iyagoo u hiillinaya kooxda muxaafidiinta ah ee lumisey xukunkii ay baarlamaanka maamulayeen sannadkii 2000.

Golaha waxa uu maalintii Sabtida ahayd diiday markii labaad in dib loo dhigo doorashooyinka, inkastoo uu xitaa sidaasi ka codsaday wasiirka arrimaha gudahu.

Top


Xiisadda Ka Dhex Aloosan BBC-da
Iyo Blair Oo Cirka Isku Sii Shareertay

London (W.Wararka) Inkastoo Agaasimihii hore ee BBC-da, Greg Dyke uu iscasiley, haddana waxa weli socda dagaalkii ka dhexeeyey BBC-da iyo ra’iisalwasaaraha Britain Blair.

Greg Dyke waxa uu warqad u direy Tony Blair bishii March ee kal hore, isagoo ka jawaabaya warqad uu Ra'iisalwasaare Blair uu BBC-da ku dhaleeceeyey in wararka ay soo saarto ayna dheelitirneyn.

Warqaddaas oo Mr Dyke uu qorey maalin ka dib markii uu bilaabmey dagaalkii Ciraaq, Mr Dyke waxa uu ku yidhi, iyadoo Mr Blair uu dagaal ugu jirey sidii aragtidiisa gaarka ah adduunka looga aqbali lahaa, ayaa doorka BBC-du waxuu ahaa iney bixiso sawir isku miisaaman oo aan dhinacna raacsaneyn.

Waxaana uu Mr Dyke warqaddaas uu ku sharaxey, dadaalada BBC-du u gashey iney ku hubiso in wararka Ciraaq ka soo baxaya ay BBC-du u gaadhsiiso adduunka si habboon oo munaasib ah.

Jariiddada uu Mr Dyke la hadlayey waxa uu u sheegey inuuna soo bandhigeyn warqaddii uu isagu ka heley Ra'iisalwasaare Tony Blair oo taasi ayna ahayn waxa habboon in la sameeyo.

Waxa kale uu Greg Dyke u sheegey jariidadda Sunday Times, in BBC-du ay xafiiska Ra'iisalwasaare Tony Blair ka heli jirtey handadaad iyo xoog sheegasho ku xidhiidha sida ay BBC-du u tabiso dagaalka Ciraaq.

Dawladda Tony Blair weli kama ayna faalloon sheekada uu Greg Dyke siiyey Sunday Times, laakiin waxa ay u egtahay in wararkan uu Mr Dyke soo qufey haatan ee uu kashifey ay dib u hurin doonaan iska hor imaadyadan ay maamulka BBC-da iyo Xafiiska Tony Blair-ba ay jeclaan lahaayeen in la soo afjaro.

shalay dhawr kun oo ka tirsan shaqaalaha BBC-da ayaa bog buuxa oo iidheh ah ka iibsadey jariidada Daily Telegraph, taas oo ay ku daabaceen qoraal ay shaqaalahaasi ku wada saxeexan yihiin oo ay ku taageerayaan warbaahintii BBC-da ee uu Greg Dyke uu Agaasimaha Guud ka ahaa.

Top


200-Qof Oo Ku Dhintay Dooni
Ku Qara-Qarantay Webiga Congo

Kinshasa (W.Wararka) Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ee Congo ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof ay ku dhinteen dooni quustey, dad gaadhaya 300 oo kalena la soo badbaadiyey.

Musiibadu waxay dhacday maalintii Isniintii, laakiin isgaadhsiinta dalka Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga ee Congo ayaa aad u xun, taasina waxay keentay in ay qaadato dhawr maalmood si uu warkan argagaxa leh u soo gaadho caasimadda dalka ee Kinshasa.

Qaar ka mid ah kuwa ka soo badbaadiyay musiibadaasi ayaa u sheegay Qaramada Midoobay in markabkaasi oo si xad dhaaf ah u rarnaa uu dab qabsaday, taasoo ku khasabtay in ay ka boodaan markabka.

Afhayeenka Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in kalluumaysato meesha masiibadu ka dhacday ag-dhawaa ay arkeen meydad dul sabbaynaya webiga dushiisa.

Bishii Nofember ee ina dhaaftay, in ka badan 100 qof ayaa dhimatay kaddib markii ay degtay doon si xad-dhaaf ah u rarnayd.

Dalka Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga ee Congo waxa uu hadda uun ka soo baxayaa dagaallo socday shan sano kaasoo joojiyey ganacsigii xoogga lahaa ee ka socday webiga weyn ee dalkaasi.

Hadda, oo ay nabaddu soo hagaagtay qeybtaasi dalka ka mid ah, dadku waxay aad u doonayaan in safraan, laakiin doomaha ayaa aad u tiro yar, oo si xad dhaaf ah loo raraa isla markaana dayac-tirkoodu uu aad u liitaa.

Top


244 Xujaaj Ah Oo Ku Dhintay
Is-Cidhiidhi Ka Dhacay Dhagax-Tuurka Caqaba

Maka Al-Mukarama (W.Wararka) Ugu yaraan 244 xaaji ayaa ku dhintay tiro intaa ka badanina way ku dhaawacmeen shalay kadib markii cagta la mariyey iyaga oo gudanaya rukniga dhagax tuurka ee goobta caqaba, Markii ay xujaajta oo aad u tiro badnayd si xooga u soo butaaceen.
Waxaana sidaa xaqiijiyey Wasiirka xajka ee sucuudiga Iyaad binu Amiin Madani waxaanu sheegay inay dhacdadaasi sabab u tahay markii ay laba Milyan oo muslimiin ahi ku butaaceen goobtaasi dhagax-tuurka caqaba oo ku taala Muna oo ku dhaw Maka Al-mukarama.

Ilaa iyo hada ma cada meelaha ay u kala dhasheen xujaajta dhimatay balse wararka qaar ayaa sheegaya inay ka midyihiin laba haween ah oo Somali ahi oo ay midkood ka timid dalka Maraykanka.

Xujaydaasi cagta la mariyay shalay oo ahayd maalintii ciidda ugu horeysay iyadoo lagu tukaday salaadii ciidda Masjidka barakaysan ee Xaramka Maka, halkaas oo Immaamka Masjidku Sh-C/raxmaan Sudaysi uu ka jeediyey khudbadii Ciida, waxaanu si adag carabka ugu dhuftay in si laxaad leh looga cawday, loogana hor tago argagixisada mayalka adag. doraadna istaagii xujaajta ee carafa waxa halkaa khudbad isna ka akhriyey Muftiga guud ee Sucuudiga Sh-C/casiis Aala Sheekh Xusari, iyadoo kabcada la huwiyey hu’ cusub oo sanad walba la cusboonaysiiyo intay xujaajtu ku jirto gudashada Rukumada xajka. Waxaana hugan cusub lagu qiimeeyay 5.5 milyan oo dollar.

Maalintan koowaad ee ciidda waxa warbaahinta guud martida illaahay kala hadlay Boqorka Sucuudiga boqor Fahad binu C/casiis waxa kaloo isna ka hadlay wasiirka dhaqanka iyo warfaafinta Fu’aad Cabdulaahi Al-Faarsi, waxaanay ku booriyeen dadka muslimiinta ahi inay isku duubnaadaan.

Top


340 Ciraaqiyiin Ah Oo
Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Soo Gaadhay Qaraxyo Ka Dhacay Ciraaq

Baqdaad (W.Wararka) Ugu yaraan 80 qof ayaa dhintay ilaa 240 qofna way ku dhaawacmeen kadib markii ay qaraxyo waawayni ka dhaceen xarumo ay Xisbiyada waawayn ee Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Ciraaq.

Iyadoo ciidamada Huwantu ku jireen heegan sare haddana waxa kor u sii kacay dhawr cisho qaraxyo waawayn oo ka dhacay Arbiila iyo Karbala, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 80 qof oo ay ka mid yihiin in badan oo ka tirsan musharixiinta labada xisbi ee ay kala leeyihiin labada dhinac ee xisbiga Dumuqraadiga Kurdishka iyo xisbiga Tagga ee wadaniga Kurdishka xarumahooda xushiyada ee waqooyiga Ciraaq.
Dad ugu yaraan lagu qiyaasay 240 qof ayaa ku dhaawacmay halkaasi, wakaalada wararka ee Associated Press waxay duqa magaalada Mr: Dawana Karim ka soo xigatay in tirada dhimashada hadda kor u dhaafayso 80 qof oo ay musharaxiintu u badan yihiin sida wariyaha la sheegay qaraxyadaas waxa ku dhintay Masuul sare oo la odhan jiray Mr: Shakhaan Cabaas oo ahaa masuulkii xisbiga isku tagga wadaniga laantiisa karbiila.

Sidoo kale waxa uu qarax wayn oo si xoog leh u gilgilay magaalada Baqdaad ayaa 180 qof dhawaac loo tirinayaa, waxa kaloo ku dhintay 20 qof oo Ciraaqiyiin, qaraxaasina waxa uu ka dhacay god ka mid ah goddodka keydka hubka ee dhulka hoose, waxaana ku qudh baxay nin ciraaqi ah, 6 falastiini ah iyo 4 maraykanka ah. Ku xigeenka wasiirka difaaca isku tagga maraykanka Mr: Powl Wolf ayaa si kedis ah oo qarsoodi ah baqdaad ku tegay socdaal lagu kormeerayo ciidamada maraykanka oo ay ku talo jireen madaxda ciidanka in ay si tiro buuran in ay u dhimaan (110 – 130 kun) oo ay askar gugan soo socda. Powl Wolf-na wali ninkii berigii dhawayd dirqiqa iyo tuxun kaga baxsaday markii weerar is biimayn ah kal hore lagu qaaday hudheelkii uu ku soo degay ee Baqdaad.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wiil La Moodyoo,
Loo Wan-Qalli Gaadh

Dagaalkii 1977 ee dhexmaray labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya ayaa waxan joogey magaalada jidda ee Sacuudiga xamaasad iyo fudayd dhalinyaro ku jirto ayaan ula socdey ujeeddo iyo ka jeedo laga lahaa midna maan garanayne maalin maalmaha ka mid ah ayaan iibsadey jariidad carabi ku soo bixi jirtey malaha Cukaad baa la'odhan jirey waxa ku sawirra sadex dayuuradood oo madaarka addis-ababa hub uga wada rogaya ciidanka itoobiya ninbaa waxa ka yaabiyey dayuuradahan oo ka kala yimid 3 wadan oo colaad guun ahi ka dhaxayso Soofiyedkii burburay Liibiya iyo Yuhuudda, waa Carab iyo yuhuud iyo shuuciyaddii oo madiibad caano ku wada shubaya
ninkiiba tix gabay ah waxa ka mid ahaa, SIYAASADU WAA MALCUUNAD SADEXDII NACAYB AYAY SARIIR KUWADA SEEXISEY 
waxan uga socdaa haayoo waa malcuunad siyaasaddu illaa waataas Buurmadow ii boqortay e'. Waayo aragnimadan  jariidada Axmed Yuusuf baa soo joogey.

Anigu Axmed ahaan goor hore ayaan arkay markuu mr.Cabdullaahi Yuusuf ku dhawaaqay CAYN oo sheegtay baan idhi waxba haka sooqaadin Boqorkeenii  Buurmadow baa soo abaaliyoo la' hadlaya
waa la' waayey!  Dubai ayuu u safray ifafaalo kale iyo xamarbaa soo shaacday waar sidee wax yihiin?  oo warku ma' kuu war boqorkaba kiiniya ayaa looga yeedhay oo bilad sharaf baa la' siinayaa oo Sifir baa u gadh wada ah,  Cayn iyo Cabdullahi yuusufna meelbay iigu qoranyihiin.

Bishii Augost 2003 ayaan qoray maaqaal la' odhan jirey Cumarow Xaal qaado ninkaas oo lagu maagay su'aal ahayd Boqor cusmaan muxuu inooga keenay Majeerteeniya oo inoo abaal ah,  waxa kamid ahaa hadaladayda Cusmaanow maxaa ku aamusiiyey Caynbaa la'sheegtee,
waxaba xigtey ( highland ) gobol kale loola baxay kaana Boqorkayagii kamuu hadlin waa laba arrin oo culus waar sidee wax yihiin?
Waxa xigtey Baarlamaanka Somaliland ayaa wuxuu go'aamiyey waxaan weligay ku taamayey oo ahayd sugidda xuduuda Jamhuuyadan yar ee curdinka ah belaayaa sidatee Boqorkaygii baa ka muraara-dilaacay manuu qarsane dibeduu ula soo boodey waxa ka mid ahaa hadaladiisii dalka ragbaa u soo dagaalamay lagu siideynmaayo koox yar waa hanjebaad waar sidee wax yihiin?

Waxa igaga sii darra nin yaroo wareysanayey oo markuu ged bixiwaayey ayuu qawlalka farta ka geliyoo wuxuu ku yidhi oo boqor dawladda iItoobiya ama Cabdullaahi Yuusuf ma' kula soo xidhiidheen ayuu iskala bixiyoo yidhi haa alla naxdin weynaa illayn af aanad lahayn lama qaban karo intaas oo qudha ayaa denbi ah ma' AGENT baa mise waa madax-dhaqameed?  waxa kaga filayd oo adeer siday dawladi iila soo hadashaa ma' waxan ahay dawlad mise safiirkeeda Hargeysa ufadhiya  dawladdu intaaba dhac-dhaca way arkaysey ee dulqaad bay runtii muujisay isna waa la' fogaatoo wuxuu is yidhi cidiba kuma taaban karto ilaa xasuus fogoo boqornimada ka horaysey dhagaro iyo qalado jiray oon waxba la  weydiin  ayuu muraayad ka akhristay maantana boqor baad tahoo lagu taaban maayo waxaa doonto fal mana uu fahmin maxaa ka reeban  Masuuliyadda iyo maxaa la' gudboon  oo ku waajib ah?

WIIL  LA'  MOODYOO LOO WALQALI-GAADH

horta sharaftii,  masuuliyadii iyo xasaanadiiba isaga ayaa iska xayuubiyey CIDNA EERSANMAAYOO CIDLADAA ISAGAA IS DHIGAY
waxase aynu wada sugaynaa jawaabta uu kulmiye ka bixiyo hadii canbaarayn waayo  waxa boqorku ku dhex jiro isaga ayaa ka danbeeya Buurmadow waanaa ogahay oo maalinba ninbay ku waalaan ammaan iyo madoo kalaa jira ee maantana ma'kanay la' heleen.

 waxan aad iyo aad u taageeranaa baaqii ay soo saareen waayeel wax garadka beeshaydu shalay ka soo saartay Hargeysa ee ka dhanka ahaa hadaladii iyo gefafkii isdaba jooga ahaa ee uu boqorku ka galay dadka iyo dalkaba mid gaar ahna uu ka galay Madaxweynaha,  waxa muuqata in midnimada iyo difaaca dalka lagu jeediyo muran iyo maandhaaf taana yeelimayno BOORAAN AFKANA QAFILAN QABARNA HOOSEEYO MAANAA MINDIYO LAY QARSHAA LAYGU QALIDOONO alla ha u naxariistee waa murtidii Faarax Nuur.

waxa naga go'an inaanu difaacno jiritaanka Somaliland Lowyacaddo ilaa Ceelaayo iyo Boocame ilaa Bogga Laas-Muuse waxa iigu madaxweyne ah MD Daahir Riyaale Kaahin,  waxa iiga wakiil ah Baarlamaankii go'- aamiyey go'aankii geesinimada iyo ku dhaca lahaa ee sugidda xuduudaha Somaliland,  waxa iigu waayeel ah G. Guurtida Somaliland hadii laga tegi-waayo xisbiyada mucaaradka ah doorkooda oo hufan way leeyihiin. Ogow meeli ugama banaana Buurmadow iyo ninkale toona midna waa kuu sheegayaa tanu sidaas aad moodeen iga wallay ku bur burayn ee ha' daalina.

tanuna waa digniin ku wajahan cidii isku dayda inay ka faaiidaysato waayo,  ninkan hadii uu qaldamayna beel ahaan ayaanu uga xaal baxaynaa hadii lagu qaldamona anagaa doonanayna NINOWNA ALBAAB MUFTAAXIISA  AANAD HAYSAN HA' GARAACIN.

Waxan ku geba-gebeenayaa Boqorkii aanu ku tacabnay ee ku eedawney sanadguuradiisii buu sugiwaayey ee salaamu calaykum.
 
Somaliland ha' noolaato, Ammaano Alla  
      
1 Axmed Yuusuf Ducaale
2 Sh Aniis Maxamed Axmed
3 Maxamed Iidle Cabdulle
4 Mubaarag Maxamed Maxamuud
5 C/xakiim xaaji Yuusuf
6 Maxamuud Cabdillaahi Xasan
7 Ismaaciil Aw Aadan 
8 Xasan Bare tukaale

Top


AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 36aad

Beryihii dambe ee uu magaalada kala bartay xiliyada aan shaqadu jirin ee ay fasaxa tahay ama aanay wax shaqo ahiba jirin Cawil waxa bal-wad u ahayd inuu daawado tartamada Awrta iyo Fardaha Sacuudiga, isaga oo tegi jiray garoon u dhaw guriga uu dagen yahay oo lagu qabto tartamada Awrta iyo fardaha Sucuudiga.

Cawil ilaa shan sannadood markuu Sacuudiga joogay ayuu Af-carabigii bartay, sidoo kalena saaxiibkii Aadan ayaa isna bartay Af-Carabigii.
Cawil wuxuu noqday nin shaqo badan oo aan shaqada sagsaagin, aadna hawl-kar u ah, dabadeedna wuxuu noqday nin cid waliba marka ay shaqo soo baxdo lambarka hore ka dhigto, taasina waxay keentay inuu shirkado dhowr ah oo kuwa dhismaha ah marba mid u shaqeeyo, isla markaasna wuxuu ku dedaalay sidii uu sanco u barran lahaa, taasna wuu ku guulaystay, taas oo shirkad dhismaha ah oo uu inmuddo ah u shaqaynayey ka bartay Cagaf-cagafyada.

Maalintii dambe ayuu Cawil shaqo ka helay Shirkad weyn oo dhismaha ah oo uu lahaa nin maal-qabeen ah oo ay dhalashadiisu tahay Yamani, laakiin taabiciyad Sucuudi ah haysta. Dabadeedna Cawil markii uu shirkaddaa u shaqaynayey muddo 3 sannadood ah ayaa maalintii ninkii Yameniga ahaa ee Shirkadda lahaa Cawl ku yidhi: “Adigu Cawilow miyaanad fasax u baahnayn oo aanad doonayn inaad reerihii iyo dalkaagii gaadho”.

Cawil ayaa ku jawaabay “Maya fasax uma baahniye waan shaqaysanayaa”.

Carabkii ayaa hadana yidhi: “Waayo miyaan reer iyo ehel kuu joogin dalkaagii”.

Cawil ayaa hadana ku jawaabay “reer iyo ehel-toona iima joogo”.
Carabkii ayaa hadana Cawil ku yidhi “waxaan ku weydiiyay imisa Sannadood ayaad joogtay Sacuudiga”.

Cawil ayaa yidhi “waxaan joogay 10 Sannadood”.

“Marna ma dhooftay oo dalkaagii ma tagtay” ayuu Carabkii ku yidhi Cawil, wuxuuna Cawil ku jawaabay “Maya marna maan dhoofin”.
Carabkii oo yaabban ayaa hadana Cawil ku yidhi “oo waxaan ku su’aalay lacagta aad shaqaysato sidee baad tidhaahdaa”.

Cawil ayaa ku jawaabay “sina ma idhaahdee waan iska haystaa”.

Carabkii ayaa hadana ku celiyay “oo xagee baad lacagta ku haysataa”.

Dabadeedna Cawil ayaa intuu Kiish yar oo buuxa hoosta kala soo baxay yidhi “dee waaniga halkan ku haysta oo kiishkaa ayey iigu jirtaa, qaar kalena Kiishash kale oo gogosha madaxeeda ii yaal ayey iigu jirtaa”.

Yamenigii baa yaabbay oo la fajacay lacagta xaddi-dhaafka ah ee uu Cawil guntiga ku haysto iyo halka ay ku jirto, dabadeedna Carabkii marna Cawil buu eegaa, marna lacagta faraha badan ee guntiga Cawil ku jirta ayuu eegaa, dabadeedna Carabkii intuu qoslay ayuu Cawil ku yidhi “waa imisa lacagta meesha kuugu jirtaa”.

Cawil ayaa lacagtii guntiga ugu jirtay ku sheegay lacag aad u faro badan oo uu Carabkii markii loo sheegay la wareeray xaddigeeda.
Sidoo kale Carabkii ayaa hadana Cawil ku yidhi “oo lacagta Kiishka ku jirta ee guriga kuu taal iyana waa imisa”.

Cawil baa taana ku sheegay xaddi aad u badan oo aan caqligaagu keenayn, Carabkiina wuu yaabay oo madaxa ayuu mar kale qabsaday. Waayo, lacagta uu Cawil sheegay inuu haysto shirkadaha dhismaha ee uu Cawil ka soo shaqeeyo intooda badani maba haystaan lacagta Cawil haysto.

Ninkii Yameniga ahaa ayaa marna qosla, marna la yaaba badownimada iyo jaahilnimada ninkan haysata.

La soco.

Top


GEDDEENAAS OO KALEY GEEDUHU NAF U LEEYIHIIN
Maxaad Ka Taqaan Dhirta Iyo Deegaanka?

Macluumaadka qoraalkani xambaarsan yahay, waxaanu ka soo min-guurinay buug aan weli daabacaadiisa la sii daynin oo la yidhaahdo DHIRTA IYO DEEGAANKA, kaas oo ay isku soo ururisay hay’adda Maraykanka ee SAVE The Children U.S.A, xafiisyadeeda Hargeysa iyo Jig-jigga ee Kilalka 5aad.

Buuggan oo weli qabyo ah, waxa ka bannaan cidii garanaysa macluumaad ku saabsan deegaanka iyo dhirta dhulka Soomaaliyeed oo buuggan ka maqan.
Geed Nagaadh
Gagabood
Geed gaabkan wuxuu ka mid yahay geed nagaadhyada, waa geed leh inta badan caleen, waa geed cad oo laamo firidhsan oo si ballaadh ah u baxa. Geedkani ma laha gun ka sarreysa dhulka, waxaa kale oo uu leeyahay hal xidid oo dhulka toos ugu aroora iyo xidido kale oo badan dhulkana ku faafsan, waa geed laf adag oo ma liice ah, sida jadeerka. Geedkani waa geed caleentiisu hadh leedahay, xooluhuna u baxsadaan, waa geed leh laamo dhuudhuuban oo la xoodhiyo, gacantana ku reeba udgoon.

Geedkani cimilada uu ka baxaa waa suubaanka, gaar ahaan bannaanada loo yaqaan goglo, oo uu si gaar ah ugu badan yahay, wuxuuna u baxaa koox koox xidhiidhsan. Wuxuuna la dersaa, geed xananka, gaar ahaan, bilcilka, qansaxa iyo cadaadka. Geed quwaaxana wuxuu kale dersaa dhuni dhasta.

Geedkan waxaa lagu daweeyaa cudurro kala geddisan oo kala ah: -
Hargabka
Oofwareenka
Qaar jeexa
Qaaxada
Xabka dhaliya xiiqda
Sanboorka
Goonjabka
Dhabar xanuunka
Lafa xanuunka
Kaadi mareenka.
Geedkani caan ayuu ka yahay adduunka oo dhan.
Bac-bacle

Geedkan loo yaqaano bacbaclaha waa geed ka mid ah geedaha gaagaaban ee nagaadhka ah geedkani wuxuu u baxaa sal dhuuban iyo baar hunbulan waana geed caleemo waaweyn leh marka loo eego itaalkiisa, mana laha laamo waaweyn, qodax iyo laamo ad-adag, wuxuuse leeyahay diir dhareer leh sida balanbaalka, gomashaha iyo dhabbiga oo daawo leh ayaana noqan kara.

Geedkani waa geedaha xooluhu jecel yihiin xiliga dayra dhaafka ah ee ay geedaha kale caleentu ka dhacdo, markay caleentu xaab noqoto iyo markay tahay qoyaanba waa isku mid xagga xoola daaqeenka labada xiliba. Geedkani wuxuu leeyahay midho yaryar oo isku dahaadhan oo isugu daboolan afar gees fiidana u dhuudhuuban, salkana ka jaran, gudahana ku leh iniinyo aad u yaryar oo aan ishu qaban karin inaad aad ugu fiirsato mooyaane. Midhahan geedku waxay leeyihiin arrimo cajiib ah, waxaana ka mid haddaad ururiso kuna uruuriso sacabkaaga waxay, samaynayaan qarax, wayna kala firdhayaan. Waxaa kale oo ay leeyihiin midhahaasi udgoon layaab leh oo la mida haylka, midhahaasi waxay u baahan yihiin baadhis si loo ogaado faa’iidada ku jirta.

Guryafan
Geedkan oo ka mid ah geedaha gaabyada loo yaqaan ee nagaadhka. Qaabka geedkani uu u baxo, waa geed gaaban oo dhulka u dhow oo had iyo jeer caleentiisu madow tahay, kana duwan geed abaareedka xagga jileeca iyo cimilada. Geedkan laamihiisu dhulka dushiisa ayey saar saaran yihiin haddii aad damacdo in aad jabiso wey liicaan jileec awgii. Geedkani wuxuu leeyahay caleen yar ballaadhan oo xaad leh, geedkani waa geed gun dhow oo aan lahayn xidid dhulka ku fogaada.
Geedkani wuxuu si gaar ah uga baxaa, gebiyada, ceelasha, balliyada iyo meelaha rumka ah. Geedkani wuxuu leeyahay midho booc ah oo leh galal isku daboolan geedkan midhihiisu wax nacfi ah oo ay dadka u leeyihiin ma jiro.

Faa’iidooyinka geedka: - Geedkan waxaa lagu daweeyaa cuduro dhowr ah oo u gaar ah carruurta, waxaana ka mid ah:
Madax weynaadka
Indha qallooca (cawarada)
Dhega beelka
Caadeysiga shubanka axalaha leh
Saxaro ku dhegga (ducoshada)
Dawada fadhidka.
Uur weynaadka
Intaas oodhan oo leysku yiraahdo cudurada geed sare kuna dhaca caruurta.
Tubeerka
Geedkan oo ka mid ah geed nagaadhka, haddana wuu ka yar weyn yahay geed nagaadhka, wuuna ka yar yahay geedaha dhexe, haddana waxaa lagu tiriyaa geed nagaadhka. Geedkani wuxuu leeyahay laba midab oo kala ah:

Gun madow iyo laamo cascas, geedkani wuxuu leeyahay, caleemo yaryar iyo qodxo godgodan oo sida ciddi libaaxa ah, baarka sarena wuxuu ku leeyahay qodax qoofal.

Qaabka geedku u baxo waa laamo kor isu raaca oo uu magaca-ba kula baxay. Geedkani wuxuu ka baxaa dhammaan ciidaha kala duwan oo dhan haba u kala badnaadee. Geedkan xoolaha ayaa daaqa, sidoo kalena dadka nacfiga uu u leeyahay waxaa ka mid ah.

Dawada shubanka caruurta
Dacar bixinta dadka
Dhabar xanuunka iyo lafa xanuunka
Kaadi ololka iyo calaacala ololka I.W.M
Dharjo
Wuxuu ka mid yahay geed nagaadhka aynu faalladooda hayno, hasa yeeshee waa geed gaaban oo habacsan sidaa dalladdana dhulka u hadheeya, waa geed midab casaan ah leh. Wuxuuna bixiyaa ubax aad u qurux badan iyo abqo dhaadheer. Geedkan waxaa aad u jecel geela iyo adhiga. Geedkani wuxuu leeyahay, riix udgoon oo laga garto xoolaha in ay maanta soo daaqeen iyo in kale marka ay daacaan. Habeen madow adiga oo guureynaya haddii aad soo dhex gasho dhul uu ku yaal, markaaba udgoonkiisa ayaad garanaysaa in uu ku yaal meeshaa aad mareyso.

Geedkani sida aan horay u soo sheegnay, waxaa aad u jecel xoolaha, haddaba dadku muxuu ka faa’iidaa ama ka dheefsadaa? Abqada geedkan waxaa laga miiraa saliidda, sida looga helo gabaldayaha. Sidaa waxaa ku cad in uu sida gabaldayaha hadba cadceedu dhanka ay jirto u jeesto.

Subag shiil
Geedkan oo ka mid ah geed nagaadhka, waa geed sida uu magacu sheegayo, xagga shiilitaanka subagga aad loogu adeegsado. Waa geed u baxa si isku humbulan ama dhudkalyaale baarka iska haysta ah. Geedkani waa geed wada cad, caleentiisa, buuhoodkiisa iyo laantiisuba, wuxuuna leeyahay xaad cad. Geedkan waxaa loo yaqaan laba magac oo kala ah:

subag shiil iyo riixaan. Labaduba waxay tilmaamayaan udgoon, kaas oo subagga urta hore ee u leeyahay beddelaya, kana dhigay wax udgoon oo la xiiseeyo ama naftu u baahan tahay marka ay urisaba.
Geedkan dhammaantii waa lawada adeegsadaa, laantiisa, xididkiisa, iyo ubax iyo caleenba waa isku wada udgoon wuxuu ka baxaa suubaanka iyo ciidda guduudan. Geedkan waxaa kale oo laga dhigtaa cadarka aqalada iyo dadkaba.

Lebi yar
Geedkani wuxuu ka mid yahay geed nagaadhka, wuxuuna u baxaa saddex nooc oo kala duwan haddana laysku yidhaahdo lebi yar. Nooc waa mid cad oo dhaadheer, waxaana laga yaabaa in uu dad iyo duunyaba qariyo, wuxuuna ka baxaa biyo mareenada iyo carro madowda. Noocyada kale way gaagaaban yihiin, kuwaas oo uu ugu sii gaaban yahay nooca ka baxa, carro guduuda.

Geedkani waa geed aan lahayn gun dheeraata iyo laamo waaweyn midnaba, wuxuuna bixiyaa ulo dhuudhuuban oo kor isu raaca. Wuxuu yeeshaa hal xidid oo dhulka ku fogaada, haddana aan la rujin karin. Geedkan waxaa laga ilaaliyaa inuu ka dhex baxo beeraha, gaar ahaan hadhuudhka, sababtoo ah biyaha ayuu ka nuugayaa, sudaa darteedba hadhuudhkii ayaa sidaa ku dhimanaya. Geedkan xoolaha ayaa aad u jecel, sababtoo ah aad ayuu u buunbuuniyaa xagga cadka iyo caanaha iyo koritaanka lafaha. Geedkani wuxuu leeyahay xajiin lagu caaroodo.

La soco.

Top


CILMIGA & TIKNOOLAJIGA: Barashada Kumbuyuutarka Casharka 22
Xawaaraha Hard Disk-ga

C/fataax M. Caydiid

Casharkii 19-aad, 20aad iyo 21-aad waxaanu kaga hadalnay guud ahaan waxa uu Hard Disk-gu yahay iyo qaybaha uu ka kooban yahay oo aan ka soo qaadannay kuwa ugu muhiimsan oo ah kuwa sawirka kore ka muuqda ee ay nambarradu ku ag qoran yihiin. Casharkana waxaynu ku soo qaadan doonnaa xawaaraha Hard Disk-ga. Waxaanu ka hadli doonnaa qaybaha saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga. Si aynu qaybahaas u tilmaanno waxaynu adeegsan doonnaa sawirka kor kaaga muuqda oo aan casharkan ugu soo darnay arrintaas darteed.

Xawaaraha Hard Disk-ga waxaa loo kala qaadaa dhowr qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin:
Seek Time
Latency
Access Time
Saddexdaas qodob ayeynu mid mid u soo qaadan doonaa.

Seek Time
Si Heads-ku ay macluumaad uga soo akhriyaan ama ugu qoraan Platters-ka Hard Disk-ga, waa inay horta tagaan Track-ga markaas la rabo in wax laga soo akhriyo ama wax lagu qoro. Waqtiga ay arrintaasi qaadataa wuxuu ku xidhan yahay inta ay le'eg tahay fogaanta u dhexaysa Track-ga la raadinayo iyo Track-ga ay markaas Heads-ku taagan yihiin. Waqtiga celcelis ahaan ay Heads-ka ku qaadato inay tagaan hadba Track-ga loo baahan yahay ayaa la yidhaahdaa Seek Time. Seek Time-ku wuxuu si toos ah ugu xidhan yahay xawaaraha Actuator-ka oo ah qaybta isku haysa isla markaana dhaqaajisa Heads-ka (Eeg sawirka kore qaybta uu nambarkeedu yahay 4). Seek Time-ka waxaa lagu cabbirraa waxa loo yaqaan milliseconds oo loo soo gaabiyo "ms" una dhigma hal ilbidhiqsi (second) oo loo qaybiyay milyan qaybood qayb ahaan. Seek Time-ka Hard Disk-yada casriga ah ee maanta la isticmaalaa wuxuu celcelis ahaan u dhexeeyaa 4 ilaa 10-ms. Arrintaas waxaad garab dhigtaa xawaaraha Memory-da oo sidaanu casharradii hore ku soo sheegnay lagu cabbiro nanoseconds (ns) oo u dhigma hal ilbidhiqsi oo loo qaybiyay bilyan qaybood qayb ahaan. Horeyna waxaan u soo sheegnay in Memory-du ay aad uga gaabiso Processor-ka.

Halkaa waxaad ka garan kartaa in Hard Disk-gu uu ka mid yahay qaybaha kumbuyuutarka kuwa xawaare ahaan ugu gaabiya. Waxaa in badan dhacda in qaybaha kale ee kumbuyuutarku ay iska fadhiyaan oo ay suggaan in Hard Disk-gu uu hawsha qaybta kaga aaddan soo dhammeeyo. Seek Time-ku wuxuu ka mid yahay uguna horreeyaa waxyaabaha Hard Disk-ga wakhtiga ugu badan ka qaata, mar kasta oo uu Seek Time-ku sii yaraadana waxaa kor u kaca xawaaraha Hard Disk-ga, taas oo iyaduna kor u qaadda xawaaraha hawl qabadka guud ee kumbuyuutarka. Sidaa darteed shirkadaha Hard Disk-yada sameeyaa waxay ku tartamaan xoogana ay saaraan in ay had iyo jeer hoos u dhigaan Seek Time-ka Hard Disk-ga. Waxaa suuqa Hard Disk-yada caadi ka noqotay in Seek Time-ka laga dhigo xawaaraha Hard Disk-ga oo dhan. Waxaad meelaha Hard Disk-yada lagu iibiyo inta badan ka maqlaysaa iyadoo tusaale ahaan la odhanayo xawaaraha Hard Disk-gani yahay 9 ms, taasoo inta badan lagu saleeyo Seek Time-ka Hard Disk-gaas. Taasina waxay kuu caddaynaysaa sida uu Seek Time-ku muhiim ugu yahay xawaaraha Hard Disk-ga.

Latency
Sida aanu hore uga soo hadalnay marka Platters-ka wax laga soo akhriyayo ama wax lagu qorayo, waxaa loo baahan yahay in Heads-ku ay horta tagaan Track-ga markaas loo baahan yahay. Marka ay Heads-ku halkaa tagaan waxay sugaan inta Sector-ka ay macluumaadku ku qoran yahay uu ka imaanayo halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin. Waqtiga ay taasi qaadato wuxuu ku xidhan yahay fogaanta uu Sector-ka la rabaa u jiro halka ay Heads-ku markaa taagan yihiin. Cel-celiska waqtiga ay qaadato in Sector-ka la rabaa uu ku yimaado halka ay Heads-ku joogaan ayaa la yidhaahdaa Latency. Latency-ga Hard Disk-gu wuxuu si toos ah ugu xidhan yahay xawaaraha uu ku wareego Spindle-ka Hard Disk-ga oo ah tiir dhexaadka ay Platters-ku ku dul rakiban yihiin ee wareejiya (Eeg sawirka kore qaybta uu nambarkeedu yahay 3). Xawaaraha Spindle-ka waxaa lagu cabbirraa waxa loo yaqaan RPM (Revolutions Per Minute) oo u taagan inta wareeg ee uu Spindle-ku sameeyo halkii daqiiqo. Xawaaraha Spindle-ka Hard Disk-yada maanta la isticmalo wuxuu u dhexeeyaa 4200 RPM ilaa 15000 RPM.

Latency-ga waxaa sida Seek Time-ka lagu cabbirraa Milliseconds (ms), waxaana xisaab ahaan lagu helaa 30000 (soddon kun) oo loo qaybiyey xawaaraha Spindle-ka. Tusaale ahaan haddii xawaaraha Spindle-ku uu yahay 4200 RPM, markaa wuxuu Latency-gu noqonayaa 30000/4200 = 7.1 ms. Haddiise uu xawaaraha Spindle-ku yahay 15000 (Shan iyo tobon kun) RPM, markaa Latency-gu wuxuu noqonayaa 30000/15000 = 2 ms.

Marka laga hadlayo xawaaraha Hard Disk-ga waxaa sidaanu hore u soo sheegnay inta badan aad looga hadlaa Seek Time-ka, waxaadse halkan ka aragtaa in Latency-gu uu door weyn ka ciyaaro xawaaraha Hard Disk-ga oo aanu Seek Time-ka keligii ku filnayn cabbirridda xawaaraha rasmiga ah ee Hard Disk-ga. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Hard Disk iibsanayso aad ogaato Latency-gu inta uu yahay ama ugu yaraan xawaaraha Spindle-ku inta uu yahay si aad markaa iskaa ugula soo baxdo Latency-ga.

Access Time
Qodobada saamaynta ku leh xawaaraha Hard Disk-ga oo la isu geeyay ayaa waxaa la isku yidhaahdaa Access Time. Qodobada uu Access Time-ku ka kooban yahay waxaa ugu muhiimsan labada qodob ee aanu kor kaga soo hadalnay ee kala ah Seek Time iyo Latency. Haddii uu tusaale ahaan Hard Disk-ga Seek Time-kiisu uu yahay 8 ms, Latency-giisuna uu yahay 5 ms, markaa wuxuu Access Time-ka Hard Disk-gaasi noqonayaa 8 + 5 = 13 ms. Access Time-ku waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu cabbiro xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-ga, waayo; wuxuu sheegayaa waqtiga ay Hard Disk-ga ku qaadato inuu macluumaad ka soo akhriyo ama uu ku qoro Platters-ka.

Inkastoo uu Access Time-ku yahay qodobka ugu muhiimsan xaqiiqadana ugu dhow ee lagu cabbiro xawaaraha Hard Disk-ga, haddana waxaa la yaab leh in ay yar tahay inta la isticmaalo oo shirkada Hard Disk-yada sameeyaa waxay had iyo jeer ka door bidaan qodobada kale sida Seek Time-ka. Waayo qodobada oo la kala qaado ama xataa mid keliya laga soo qaataa waxay Hard Disk-ga u muujinaysaa sidii inuu ka dheereeyo xawaarihiisa dhabta. Sidaa darteed waa muhiim in marka aad Hard Disk iibsanayso ama aad is barbar dhigayso laba Hard Disk aad ogaato Access Time-ka Hard Disk-ga si aad u ogaato xawaaraha dhabta ah ee Hard Disk-gaas. Haddii aanay kuu suurtoobayn inaad ogaato Access Time-ka waxaad ugu yaraan codsataa inaad hesho Seek Time-ka iyo Latency-ga. Waayo; labadaas qodob oo la isu geeyay waxay ku siinayaan qiime aad iyo aad ugu dhow Access Time-ka Hard Disk-gaas.

Casharkanna halkaas ayaynu ku joojinaynaa, Casharka xigga waxaynu hadduu Rabbi idmo ku soo qaadan doonnaa noocyada Hard Disk-ga (IDE ama SCSI).

La soco.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Ciidamada Somaliland Iyo Itoobiya Oo Maanta Ciyaar-Saaxiibtinimo Ku Dhexmarayso Hargeysa

C/fataax M. Caydiid

Kooxaha Kubadda Cagta Ee

Hargeysa, Feb 2, 2004 (Haatuf) – Kooxda kubadda cagta ee Ciidamada Aaga bari ee Itoobiya, ayaa shalay soo gaadhay magaala-madaxda Somaliland ee Hargeysa, iyagoo maanta ciyaar-saaxiibtinimo la yeellan doona Naadiga Ciidanka Qaranka Somaliland ee Gaashaan, kadib markii ay marti-qaad ka heleen kooxda Ciidanka Qaranka Somaliland ee Gaashaan, iyadoo ciidanka Qaranka Somaliland u dabaal-degayo sannad-guuradiisii 10aad ee aasaaska ciidanka Qaranka Somaliland oo ku beegan maanta oo bisha February tahay 2, isla markaana ku soo beegantay maalinta labaad ee munaasibadda Ciiddal-Adxada oo shalay laga ciidday dhammaanba dunida Islaamka, gaar ahaan Somaliland.

Ciyaartan oo labada kooxood ku dhexmari doonta maanta gelinka dambe Garoonka kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium, iyadoo la filayo in a ciyaartani noqoto mid xiiso badan leh, isla markaana qiimo-weyn ku yeellan doonta taariikhda ciyaaraha kubadda cagta ee Somaliland, maadaama ay kooxdani tahay kooxdii ugu horeysay ee ka timaada dal kale ee ciyaar-saaxiibtinimo ama rasmiba gudaha dalka kula yeelata.
Kooxda kubadda cagta ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Gaashaan, ayaa booqasho tan oo kale ah hore ugu tagay magaalada Jig-jigga, halkaas oo ay ciyaar-saaxiibtinimo kula soo yeesheen kooxdan ka socota ciidanka Aagga bariga Itoobiya, ciyaartaas oo ay guushu ku raacday kooxda ciidanka Aaga bariga Itoobiya 3-2, isla markaana waxaa kooxda kubadda Cagta ee Gaashaan ku wehelinayay safarkooda kooxda kubadda Laliska oo iyaduna ciyaar-saaxiibtinimo ku dhexmartay halkaas kooxda ciidanka Itoobiya ee aaga bariga, ciyaartaas oo iyadana guushu ku raacday kooxdii ciidanka Itoobiya oo 2-1 (games) kaga adkaaday kooxda Gaashaan ee kubadda Laliska.

Top


Ururka Somaliland Youth
& Sports Oo Deeq Kubado Ah
Soo Gaadhsiiyay Kooxo Hargeysa Ah

Hargeysa, Feb 2, 2004 (Haatuf) – Ururka Qurba-jooga ah ee fadhigiisu yahay dalka Britain ee Somaliland Youth & Sports, ayaa deeq kubado ah soo gaadhsiiyay qaar ka tirsan kooxaha kubadda cagta iyo kooxaha kubadda Koleyga ee ka dhisan magaalada Hargeysa, waxaanay deeqdaasi ka koobnayd 9 kubadood oo ah kuwa cagta [football] iyo 6 kubadood oo ah kuwa koleyga [Basketball].

Deeqdan oo ay kooxaha soo gaadhsiiyeen Cismaan Maxamuud Cismaan iyo Axmed Maxamed Ismaaciil (Aflax) oo uu Gudoomiyaha ururkaas, Xasan Waraaba-cadde u soo wakiishay qaybinta deeqdan, ayaa waxay dorraad sabtidii gudoonsiiyeen qaar ka mid ah kooxihii deeqdani ku socotay.

Xaflad munaasibaddaas ku saabsan ayaa waxa lagu gudoonsiiyay kooxda kubadda cagta ee Paris Style oo ah kooxaha heerka labaad (B) ee magaalada Hargeysa, laba kubadood iyo kooxda Wadajir oo ah kooxaha kubadda cagta ee heerka saddexaad (C), kuwaas oo sida uu sheegay Tababaraha kooxda Paris Style uu hore ugu ballanqaaday Gudoomiyaha ururka SY&S, kadib markii uu socdaal ku yimi bishii ina dhaaftay magaalada Hargeysa, waxaanay uga mahad-naqeen deeqdaas ay ugu deeqeen ururkaasi, isla markaana waxay ku dhiiri-geliyeen inay halkaas ka sii wadaan deeqaha ay u fidinayaan dhallinta dalkooda ee soo kacaysa.

Sidoo kale, waxa halkaas iyagana deeq kubadaha cagta ah lagu gudoonsiiyay labada kooxood ee Gorgor iyo HOC [Xarunta Agoomaha Hargeysa] oo ah labadii kooxood ee ay hore u kafaala-qaadeen ururkan SY&S inay ka caawin doonaan baahiyaha qalabka ciyaaraha ee kala duwan iyo dhinaca tababarka iyagoo u magacaabay Tababare labada kooxood layliya, si hoosta looga soo dhiso farsamadooda ciyaareed. Deeqdaas oo ka koobnayd 6 kubadood [koox waliba 3 kubadood] oo isugu jira kuwa tababarka lagu qaato iyo kuwa loogu talo-galay ciyaaraha rasmiga ah, waxaana gudoomay Tababaraha labada kooxood, Faysal Muuse Cabdi (Faysal Dheere).

Labada nin ee uu Gudoomiyaha ururkaas, Xasan Waraaba-cadde u soo wakiishay inay deeqdaas gaadhsiiyaan kooxaha loogu talo-galay, ayaa sheegay in ay suurta-gal noqon wayday in maanta [sabtidii] uu xafladda kala soo qayb-galo Macallinka kubadda Koleyga, Maxamed Cali Obsiiye (Calo), si uu u gudoomo kubadaha lixda ah ee koleyga, duruufo shaqsi ah awgeed.

Deeqdani ma aha tii ugu horeysay ee ay ururka qurba-jooga ah ee Somaliland Youth & Sports u fidiyaan kooxaha dalka ka dhisan heerkasta ha noqotee, waxaanay bishii December ee sannadkii ina dhaafay ay deeqo isugu jiray kubado, direys iyo qalab kaleba soo ugu deeqeen qaar ka mid ah kooxaha dalka ka dhisan, waqtigaas oo uu Gudoomiyaha ururkaasi, Xasan Waraaba-cadde socdaal ku yimi dalka, waxaanu waqtigaas ka aasaasay markii ugu horeysay dalka kuliyad kubadda cagta ah oo ay ugu magac-dareen Hargeisa Football Academy, iyagoo kafaala-qaaday labada kooxood ee Gorgor iyo HOC [Xarunta Agoomaha Hargeysa] oo ah dhallinta da’yar ah ee da’doodu u dhaxayso 12 – 14 jirka.

Waxa kale oo ay sheegeen Cismaan iyo Axmed-Aflax, in ay dhawaan sugayaan deeq kale oo ay ururkaasi soo gaadhsiin doonaan, taas oo isugu jirta qalabka farsamada ee ciyaaraha, kubadda cagta, koleyga iyo ciyaaraha fudud-ba, waxaanay sheegeen in ay deeqdaasi noqon doonto mid aad u ballaadhan oo wax weyn ka tari doonta habsami u socodka horumarka ciyaaraha dalka.

Top