Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 542 March 9, 2004

“Haddii Hilbaha Raga Loo Googoyn Lahaa Sida Loo Googooyo Hilbaha Dumarka Beri Hore Ayuu Joogsan Lahaa Gudniinka Fircooniga Ahi,”
Marwo Adna Oo Ka Hadashay Xaflad Nagaad Qabatay

Sanaag: Duruufta Baahday Ee
Abaarta, Dhaqdhaqaaqa Hay’adaha Sama-Falka Iyo Saluugga Muuqda
Warbixin wariyaha haatuf ee gobolka Sanaag

Idaacad Cusub Oo Maalintii Sadexaad
Laga Dhageysanayey Magaalada Ceerigaabo
“Idaacadaa Waanu Joojinaynaa Maadaama Aanay Rukhsad Haysan”
Maayarka Ceerigaabo

RAADYOW MA QALOOCSHE
A. A. Garas

“Ma jiraan shirar qarsoodi ah oo aan qabtay, mana jiraan warar noocaas ah oo aan gobolka ka diray”

Mudane Golaha Degaanka
Saylac Ah Oo Sheegay Inuu Ka Baxay KULMIYE, Kuna Biiray UDUB

“Ismaan Lahayn Madaxtooyadii Aan Nabadgelyadeeda
Ilaalinayey Ayaa Lagugu Hor Dilayaa”
Maxamuud Sheekh Cumar Oo Ka Tirsan Ciidanka CID-Da

Dastoorka Cusub Ee
Ciraaq Oo Qallinka Lagu Duugay

Maraykanka Oo Sii Deynaya Xubno Ingiriiska
Kaga Jiray Xabsiga Guatanaamo

Nukliyeerka Iran Iyo
Liibiya Oo Muran Ka Taagan Yahay

AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 60aad

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Maxaa Keena Inay Kaadidu Qofka Gubto?

Dimuqraadiyadda Iyo Hanaanka Axsaabta Siyaasadda Somaliland
Qore: Axmed Faarax


“Haddii Hilbaha Raga Loo Googoyn Lahaa Sida Loo Googooyo Hilbaha Dumarka Beri Hore Ayuu Joogsan Lahaa Gudniinka Fircooniga Ahi,”
Marwo Adna Oo Ka Hadashay Xaflad Nagaad Qabatay

Ururada Haweenka Somaliland Oo Xuska Maalinta Haweenka Aduunka Ku Qaabilay Xaflado Kala Qaybsan

Hargeysa, March 9, 2004 (Haatuf) – Ururada haweenka Somaliland ayaa shalay qabtay xaflado ay ugu damaashaadayaan xuska maalinta haweenka aduunka ee 8-da March, waxaana caasumadda Hargeysa iyo gobolada iyo degmooyinka Somaliland ka dhacay xaflado ku saabsan munaasibadda 8-da March. Iyadoo sidoo kalena dhamaan daafaha aduunka lagu qabtay damaashaadyo iyo xaflado loogu dabaal-degayo munaasibadda xuska 8-da March.

Hase yeeshee ururada waaweyn ee haweenka Somaliland sida NAGAAD iyo NOW ayaa xaflado kala qaybsan ku qaabilay munaasibadda 8-da March.
Ururka haweenka ee NAGAAD oo ay ku bahoobeen inka badan 32 urur haween ayaa xaflad balaadhan oo ay ugu dabaal-degayeen xuska munaasibadda maalinta haweenka aduunka ku qabtay Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana gudaha iyo agagaarka hoolka ay haweenka NAGAAD ku qabteen xafladda lagu wadhay boodhadh ka turjumaya munaasibadda 8-da March, laakiin fariimaha ay haweenka NAGAAD boodhadhkooda ku xardheen waxa ka mid ahaa kuwo ay kaga digayaan gudniinka fircooniga ah oo ay ku tilmaameen masiibo haysata haweenka, isla markaana waxay sheegeen inuu gudniinka fircooniga ahi sababo dhibaatooyin badan oo saamayn ku yeesha gabadha ka sokow nolosha qoyska. Waxaana xafladaa ka hadlay dad badan oo masuuliyiin iyo marti-sharaf kaleba isugu jira, iyadoo ay haweenkii halkaa ka hadlay aad ugu dheeraadeen dhibaatada gudniinka fircooniga ah.

Dr. Aw-Koombe oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurada haweenka ayaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay xafladda NAGAAD ee ka dhacday Hotelka Maansoor, wuxuuna dhakhtarku tafaasiil dheer ka bixiyey noocyada gudniinka iyo dhibaatooyinkiisa.

Wasiirka arimaha debedda marwo Edna Aadan ayaa iyana ka mid ahaa dadkii ka hadlay xafladda NAGAAD, waxayna ka hadashay dhibaatada gudniinka fircooniga ah, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa “hadii Hilbo kuwo ragga ah la googoyn lahaa, sida loo googooyo kuwa haweenka beri hore ayuu gudniinka fircooniga ahi joogsan lahaa, maadaama ay dastuurka ku taal inaan waaxyaaha qofka la googoyn karin waa inay golayaasha qaranku soo saaraan xeer mamnuucaya gudniinka fircooniga ah”.

Marwo Ismahaan C/salaan oo ah gudoomiyaha NAGAAD ayaa iyana halkaa ka hadashay, waxayna halkaa kaga dhawaaqday qorshe shan sannadood ah oo ku saabsan la dagaalanka gudniinka fircooniga ah oo ay gaboodka NAGAAD fulin doonaan shanta sannadood ee soo socda, hawlgalkaas oo ay masuuliyiinta NAGAAD sheegeen inay kala qayb qaadanay haweenka dalalka bariga Afrika.

Marwo Aamina X. Maxamud ayaa iyana halkaa ka hadashay. Sidoo kale hooyo Maryan Guhaad oo ka mid ah hooyooyinka ku shaqaysta mihnadda gudniinka fircooniga ah ayaa iyana halkaa ka hadashay.
Waxa kale oo iyana xafladda Nagaad ka hadashay gabadh yar oo magaceeda la yidhaahdo Ayaan C/risaaq oo dhowaan lagu fuliyey gudniinka fircooniga ah, waxayna gabadhan yari sheegtay inay dhibaatada gudniinka fircooniga ah darteed uga tegtay waxbarashadeedii, iyadoo sheegtay inay gudniinka fircooniga ah kala kulantay xanuun jidheed iyo mid nafsaani ahba.

Waxa kale oo xafladda NAGAAD lagu soo bandhigay riwaayad tafsiiraysa dhibaatada gudniinka fircooniga ah.

Dhinaca kalena ururka la yidhaahdo ururka haweenka qaranka ee NOW ayaa iyagun isu soo bax balaadhan oo ay ku xusayaan xuska maalinta haweenka aduunka ku qabtay fagaaraha khayriyadda, waxaana isu soo baxaa ka soo qayb galay dadweyne badan iyo masuuliyiin dawladeed oo kala duduwan, waxaan muusig tumaysay kooxda baanboyda bilayska, isla markaana waxa fagaaraha khayriyadda khudbado munaasibadda 8-da March ku saabsan ka jeediyey masuuliyiinta ururka haweenka NOW iyo masuuliyiin kale oo dawladda ah.

Marwo Kaltuun X. C/laahi ayaa ka mid ahayd dadkii halkaa ka hadlay. Sidoo kale waxa halkaa ka hadashay marwada madaxweynaha Somaliland Huda Barkhad, waxayna dhamaan xubnihii halkaa ka hadlay tilmaamo ka bixiyeen kaalinta haweenku ku leeyihiin mujtamaca iyo duruufaha haysta.

Haweenka ururka NOW oo ay hor socoto marwo Huda Barkhad ayaa isla shalay caawimo kala duduwan gaadhsiiyey meelo ay ka mid yihiin cusbataalka weyn ee Hargeysa, Edna Hospital iyo xarunta agoomaha Hargeysa, iyadoo ay marwo Huda booqatay haweenka umulaha iyo kuwa xanuunsanaya ee ku jira Cusbataalka Edna.

Sidoo kale ururka haweenka ee la yidhaahdo DEEQA oo ay ku bahoobeen ilaa 20 haween ayaa iyaguna xaflad ku saabsan xuska maalinta haweenka ku qabtay xaruntooda oo ku taal Hargeysa, waxayna haweenka DEEQA munaasibada ka jeediyeen khudbado ku wajahan maalinta haweenka aduunka, iyaga oo si gaar ah uga hadlay dhibaatada gudniinka fircooniga ah.

Dhinaca kalena waxa gobolada iyo degmooyinka dalka lagu qabtay xaflado la xidhiidha xuska maalinta haweenka aduunka.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar ayaa ku soo waramay in munaasibad lagu xusayo maalinta haweenka aduunka lagu qabtay fagaaraha khudbadaha Boorame, halkaana ay khudbado ka jeediyeen masuuliyiin kala duwani, waxaana dadka isu soo baxaa ka hadlay ka mid ahaa xubno haween ah ku kala hadlay ururada haweenka ee la kala yidhaahdo KULMIYE iyo NOW oo ka jira Boorame, sidoo kalena maayarka Boorame C/raxmaan Sh. Cumar ayaa isna halkaa ka hadlay.

Sidoo kale xaflad kale ayaa shalay galab lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Awdal ee Boorame, xafladaasna waxa si gaar ah u soo qaban-qaabiyey haweenka KULMIYE, waxayna haweenka reer Boorame aad uga hadleen dhibaatooyinka haweenka haysta iyo kaalinta ay ku leeyihiin mujtamaca dhexdiisa, iyaga oo si gaar ah u xusay dhibaatada gudniinka fircooniga ah iyo cudurka dilaaga ah ee HIV-AIDS-ka.

Sidoo kale weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil C/raxmaan Casaan ayaa ku soo waramay in shalay isu soo bax ay soo qaban-qaabiyeen ururka haweenka MURUQ iyo MASKAX ee magaalada Berbera lagu qabtay fagaaraha khayriyadda Berbera, waxaana munaasibaddaa ka hadlay xubno ay ka mid yihiin maayarka Berbera Cabdi Musbaar iyo gudoomiyaha ururka haweenka MURUQ iyo MASKAX marwo Khadra Cabdalle.

Sidoo kale weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay Maxamed Xasan ayaa isna ku soo waramay inay ururada haweenka Gebilay qabteen xaflado ku saabsan xuska maalinta haweenka aduunka, waxaana laba xafladood oo isku xili ah lagu kala qabtay fagaaraha khudbadaha iyo cusbataalka guud ee Gebilay, waxaana labadaa xafladood kala qabtay ururka NOW iyo urur kale oo la yidhaahdo MAANDEEQ.

Xafladda ay ururka NOW ku qabteen fagaaraha khudbadaha Gebilay waxa khudbado ka jeediyey xubno door ah oo ay ka mid yihiin masuuliyiinta ururka iyo dad kale.

Laakiin ururka haweenka MAANDEEQ waxay munaasibadaa ku fidiyeen deeq ay siiyeen cusbataalka guud ee Gebilay oo muddo 14 sannadood ah dunsanaa, waxayna haweenka MAANDEEQ halkaa isugu keeneen ilaa 4000 xabbo oo Leben ah iyo ilaa dhawr iyo toban Lawdh oo ciid ah, waxaana markiiba la bilaabay dhismaha cusbataalkaa.

Wiil yar oo ay da’diisu tahay 8 jir, magaciisana la yidhaahdo C/raxmaan Ibraahin Axmed ayaa caawimo u fidiyey cusbataalka Gebilay, isaga oo ku deeqay $5 dolar.

Top


Sanaag: Duruufta Baahday Ee
Abaarta, Dhaqdhaqaaqa Hay’adaha Sama-Falka Iyo Saluugga Muuqda
Warbixin wariyaha haatuf ee gobolka sanaag

Ceerigaabo, March 9, 2004 (Haatuf) – Duruufo adag oo isa soo taraya, kana dhashay abaarta gaamurtay ayaa waqtgan xaadirka ah ka taagan gobolka Sanaag iyo nawaaxigiisa, waxaana laba – saddexdii todobaad ee u dambeeyey ka bilaabmay degmada gobolka Sanaag, dhaqdhaqaaqyo gurmad ah oo hay’addaha samofalka wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ahi gacan uga fidinayaan dadka ay abaartu saamaysay. Hase yeeshee wararka ka imanaya degaamada gobolka Sanaag iyo nawaaxiga la xidhiidha ayaa farta ku fiiqaya qiimayn saluug ah oo la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada dhinaca gurmadka, taas oo la leeyahay wax isu dhigma ma aha hay’adaha samofalka ah ee tirada badan ee waqtigan xaadirka ah gobolka dhex-yaacaya iyo waxtarka ay dhiiqayaan.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag C/rashiid Xasan Cabsiiye ayaa doraad warbixin taf-dheer nooga soo diray xaaladda abaarta ee degaamada gobolka Sanaag iyo dhaqdhaqaaqyada ay hay’adaha samofalku hadda ka wadaan jiidaha gobolka Sanaag, wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay.
“Gobolka Sanaag waxa ka jirta abaar gaamurtay oo uu cimrigeedu gaadhay in ka badan 4 sannadood, waxaana abaartaasi si ba’an u riq-riqday dadka iyo xoolaha ku dhaqan degaamada gobolka xajmiga-weyn ee Sanaag, taas oo dadka iyo duun-yadda gaadhsiiyey waxyeelo aan yaran.

Waqtigan xaadirka ahna boqolaal qof iyo kumanaan xoolaha ah ayey intooda badani qarka u saaran yihiin xaalad dhimasho ah, iyadoo ay dhibaatada ugu darani tahay biyo la’aan, cunto la’aan iyo baad la’aan. Dadka iyo xoolaha miyiga ku dhaqan ayey dhibaatada ugu ba’an ee abaartu hadhaysay, isla markaana inkasta oo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo gurmad ahi, hadana reer guuraaga ah ee ay dhibaatada ugu darani haysato may helin ilaa hadda gar-gaar aadaminimo oo wax ka tara dhibaatada haysata ee dhinaca abaarta. Ilaa labadii bilood ee u dambeeyey dhaqdhaqaaqa iyo socodka hay’adaha samofalku wuu u bad-naa gobolka, gaar ahaan imaatinka magaalo-madaxda gobolka ee Ceerigaabo, waxayna hay’adahaasi isugu jireen kuwo jeebka wax ku haya iyo kuwo doonaya inay hada abuuraan mash-ruuc ay ku dhaq-dhaqaaqaan.

Hay’adaha samofalka ee gobolka soo gaadhay waxay isugu jiraan kuwo caalami ah iyo kuwo wadani ah. Laakiin hay’adahani waxay isugu jireen qaar la odhan karo waxa horkacaya shakhsiyaad xilkas ah iyo qaar la odhan karo wax horkacaya shakhsiyaad aan xilkas ahayn ama xil-tiri karin baahida ay tahay in la daboolo. Sidaa darteed-na dadka gobolka Sanaag ee ay xaaladda adagi haysato isku meel uguma qor-na ama way u kala soocan yihiin cid walba. Halka ay isu taagtay dhinaca waxtarka.
“Labadii todobaad ee ina dhaafay wax biyo-dhaamis ahi ma gaadhin, mana jirin hawlo biyo-dhaamis ahi” sidaa waxa yidhi isuduwaha wasaaradda qorshaynta Sanaag Xuseen Axmed Cabdulle oo ka waramaya sida ay hay’adaha samofalku wax uga qabteen dhibaatada abaarta, wuxuuna intaa raaciyey “SCF-USA iyo Havoyoco ayaa noo yimi iyaga oo wada socda, laakiin maamul ahaan wax war ah nama ay siin, waxayse noo sheegeen inay booyado biyo ah gaadhsiiyeen degaamada Fiqi-fooliye, Hadaftimo iyo Dheryo. Sidoo kale hay’adaha DRC, OXFARM, PENHA, SCF-Denmark iyo SCF-UK maanu arag iyaga, laakiin hay’adaha UNICEF, WHO iyo WFP waxay noo soo gud-biyeen liisto ah meelaha ay ka shaqaynayaan, hawl-wadeenana gobolka way ka joogaan. Waxa kale oo jira hay’ado gobolka ka soo gala dhinaca Puntland, kuwaas iyaga wax war ah kama hayno, mana soo gaadhaan magaalo madaxda, balse haya’ada CARE ayaa xafiis uga furtay magaalo-madaxda gobolka ee Ceerigaabo, waana hay’adda qudha ee cadaysay hawlaha samofal ee ay gobolka ka qabanayso.
Hay’adda ILO ayaa iyana noo sheegtay inay xafiis ka furan doonto gobolka.”

Laga soo bilaabo 28-kii February 2004 waxa magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan degaamada gobolka Sanaag dood ku saabsan wax-qabadka hay’adaha samofalka ee gobolka Sanaag, Taasina waxay ka dhalatay hadal uu maareeyaha hay’ada ka hortagga afooyinka Somaliland, Maxamed Muuse Cawaale ka sii daayey BBC-da isla maalintaa 28-kii February oo uu ku sheegay inuu gurmad wax lagaga qabanayo dhibaatada abaartu ka socdo gobolada bariga oo uu gobolka Sanaag ka mid yahay.

Wixii maalintaa ka dambeeyey waxa degaamada gobolka Sanaag ka taag-naa doodo su’aalo la iskaga weydiinayo wax qabadka hay’ado badan oo kamarado iyo baabuur qurux badan la dhex-wareega degaamada gobolka sanaag intooda badan. Inasta oo aanay hay’adaha samofalka e gobolka ku sugani wax war ah saxaafadda siinin, hadana waxa jira dhaq-dhaqaaqyo ku saabsan taakulaynta dadka dhibaatada abaartu saamaysay ay laba-saddexdii bilood ee u dambeeyey hayadaha samofalku jiidaha gobolka ka wadeen. Laakiin ilaa hada lama sheegin waxtar la majeertaa.

Marka laga hadlayo taakulada dhinaca abaaraha ee gobolka soo gaadhay ilaa hada waxa ugu buurayd deeqdii ay ganacsatada reer Somaliland gobolka soo gaadhsiiyeen dabayaaqadii sannadkii hore, deeqdaas oo dhamayd 33000 dollar, waxa loo maamulay si wanaagsan, taasina waxay suurta gelisay inay deeqdaasi gaadho meelihii loogu tal-galay.

Hay’adda samafalka caalamiga ah ee la yidhaahdo IQAASA oo ah hay’ad Ismaamiya ayaa iyana 9000-dollar oo gurmadka abaaraha ah dhowaan soo gaadhsiiyey gobolka, waxayna lacagtaa ku wareejisay urur-samofal wadaniya ah oo magaciisa la yidhaahdo KALKAAL.

Sidoo kale hay’adda PENHA ayaa iyana ururka KALKAAL gacanta u soo gelisay lacag dhan 1000-dollar ah. Sidoo kale hay’adda Penha waxay qaar ka mid ah degaamada gobolka Sanaag u qaybisay qadar caawimo ah oo daawooyinka xoolaha ah.

Dr: Shiine oo ka mid ah dhakhaatiirta gobolka u dhashay ayaa isna hay’adda KALKAAL ku wareejiyey 2500-dollar hay’ad samofal islaami ah.
Dawladda Somaliland ayaa iyana gobolka soo gaadhsiisay dabayaaqadii kal hore 4.5 milyan shillin Somaliland ah oo qayb ka ahayd gurmadka abaaraha. Hay’ad samofal wadani ah oo magaceeda la yidhaahdo Horn Relief oo fadhigeedu yahay Boosaaso ayaa iyana mar waxoogaa shidaal iyo lacag ah u qaybisay degaamo ka ka mid ah bariga Sanaag. Laakiin hay’addan la yidhaahdo Horn Relief muddo saddex bilood gaadhaysa ayey hawlo samofal oo la xidhiidha gurmadka abaaraha ka waday degaamo ka mid ah barig Sanaag waxay lacag u qaybisaa qoysaska jilicsan oo ay qoyskiiba bishii siisay 50-dollar, balse deeqda ay hay’adda Horn Relief bixisay waxay saamayn ku yeelatay qaar ka tirsan hay’adaha samofalka caalamiga ah oo todobaadkii hore hawlo samafal ka bilaabay degaamada lagu magacaabo Sool Platue ee ay hay’adda Horn Relief hawlaha samafal ka waddo. Hawl-gal dhinaca samofalka ah oo ay iska kaashanayaan hay’adaha Unicef iyo WHO iyo weliba wasaaradda caafimaadka oo si gaar ah ugu wajahan dhinaca caafimaadka, gaar ahaan la dagaalanka nafaqo darada ayaa is-na todobaadkii hore ka bilaabmay degaamo gobolka ah.

Isuduwaha caafimaadka gobolka Sanag, Dr. Carabayto ayaa sheegay inay hawsha gurmad caafimaad ka socoto ilaa 90-gobood oo ku kala yaal degaamada gobolka Sanaag iyo weliba qaar ka tirsan gobolka Sool, gaar ahaan jiidaha xadka la leh dhulka gobolka Sanaag.

“14 kooxood oo ay mid waliba 5 qof ka kooban tahay ayaa la hawl-geliyey” ayuu yidhi Dr: Carabayto, wuxuuna intaa raaciyey “waxa loogu talo galay inay mash-ruucan gurmadka caafimaad ah ka faa’iidaystaan 8500 oo caruur ah iyo 2500 oo haweenka uurka leh ah.”
Kusimaha badhasaabka gobolka Sanaag, C/casiis Xasan Siciid ayaan is-na wax ka weydiiyey dhaq-dhaqaaqyada gurmadka abaarta, wuxuuna yidhi “Hay’adda SCF-USA lacag aan badnayn ayey biyo ugu dhaamisay meeelo gobolka ka mid ah, ururka Havoyoco ayaa is-na gobolka soo degay, waxayna yidhaahdeen dhkhso ayaanu hawlo u bilaabaynaa.” Soddonkii maalmood ee u dambeeyey ilaa laba goor ayuu maamulka gobolku shirk u kulmiyey hay’adaha sammofalka wadaniga ah iyo kuwo caalamiga ah-ba.
Shirkaas oo ka dhacay xarunta hay’adda samofalka Talyaaniga ah ee CEFA waxat ujeedadoodu ahayd inay hay’adaha samofalka iyo maamulka gobolku iskala jaan-qaadaan, kana wada socdaan oo ay iskaashi ka yeeshaan hawlaha gurmadka abaaraha, iyadoo ay arrimaha la isla soo qaaday ka mid ahaayeen sida loo agaasimayo hawlaha gurmadka, waxaana talooyinka shirarkaa laga soo jeediyey ka mid ahaa inaanay hawlaha gurmadku keliya ka socon degaamada qaar ee ay si siman uga wada socdaan degaamada. Hase yeeshee kulamadaa oo aan goob-joog ka ahaa wax go’aamo oo la isla gaadhay kama ay soo bixin, gaar ahaan kuwa wadaniga ah ka muuqday inay is-garbinayaan oo ay midiba mid riixayso. Waxa kale oo iyana saamayn ku yeelatay hawlaha hay’adaha samafalka shakhsiyaadka ay kaga xidhan yihiin gobolka, taas oo ay hiddo-samidooda shaqo ku xidhan tahay had-ba mdiabka ay leedahay shakhsiyadda qofka ay ku xidhan tahay hay’addu.

Hadda ka hor dhibaatada abaartu waxay ugu cuslayd degaamada bariga iyo koonfurta gobolka, laakiin waxa hadda ku soo biiray degaamada Ceerigaabo, Ceel-afweyn, Gar-adag iyo meelo kale. Degaamadaas oo ah meelaha ay dadka xoolo dhaqatada ahi isugu soo hayaameen markii ay dabayaaqadii December 2003 roobabku ka da’een, laakiin degaamadaa waxa hadda ka taagan xaalad walaac leh. Dadka ay hadhaysay dhibaatada abartu waxa aad u dam-qa dareenkooda nololeed hay’adaha samofalka iyo cid kasta oo intay khali ah la dhex-timaaddo tidhaahda waxaanu u soconaa qiimayn iyo war-doon xaaladda abaarta ah, iyadoo ay dadka xaaladoodu tahay “dhicisku inta birta loo sido ayuu bakhtiyaa”.

Sidaa darteed dadku waxay u baahan yihiin gurmad aadaminimo oo deg-deg ah, waxaana ugu darran Biyo iyo cunto. Hay’adaha samofalka ee Action Aid iyo CAA oo si dad-ban uga hawl-gala gobolka ayaan ilaa hadda iftiimin ama caddayn inay kaalin ku yeelanayaan hawlaha gurmadka abaaraha, lamana maqal wax dhaq-dhaqaaq ama war ah oo ka soo baxay. Dad badan ayaa qaba ama ku baaqaya inay deeq-bixiyayaashu daba-gal iyo xisaabtan ku sameeyaan dhaqaalaha ay samafalka ku bixiyaaan ee gacanta u geliyaan hay’adaha oo hubinaya sida loo maamulay iyo inay deeqdii ay bixiyeen gaadhay halkii loogu talo galay. Sidoo kale waxay dadka aragtidan qabaa leeyihiin waa inay deeq bixiyeyaashu waqtigan xaadirka ah ka fiirsadaan deeqda ay qorshaynayaan cidda ay gacanta u gelinayaan. Sidoo kalena waxa caam ah in hawlaha gurmadka abaaraha si shillis looga hawl-galo, laguna baraarugo halista soo fool leh ama taagan.”

Top


Idaacad Cusub Oo Maalintii Sadexaad
Laga Dhageysanayey Magaalada Ceerigaabo
“Idaacadaa Waanu Joojinaynaa Maadaama Aanay Rukhsad Haysan”
maayarka Ceerigaabo

Ceerigaabo, March 9, 2004 (Haatuf) – idaacad cusub oo FM ah ayaa maalintii saddexaad laga dhegaysanayey gudaha magaalada Ceerigaabo, waxaana ilaa hadda ka baxa sugaan kala duduwan iyo waxyaalo kale.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag C/rashiid Xasan Cabsiiye Idaacadani waxay magaalada Ceerigaabo ka shidnayd ilaa saddexdii maalmood ee u dambeeyey, waxaana ka baxayey barnaamijyo sugaan ah sida: Heeso, gabayo iyo waxyaabo kale. Hase yeeshee habeenkiii xalay ayey Idaacadaasi markii u horesay siidaysay barnaamijyo cusub oo aan sugaan ahayn.

8:05 ee caweesinkii xalay waxay Idaacadaasi baahisay xayeysiis ay leedahay shirada diyaaradaha ee Stara Airline. Sidoo kale 8:30 ee caweesinkii xalay waxay Idaacadaasi baahisay natiijada ciyaar kubada cagta ah oo shalay dhexmartay kooxo ka kala socda labada dugsi H/Dhexe ee la kala yidhaahdo Surad iyo Lafoole oo labaduba ku yaal magaalada Ceerigaabo.

Sida ay Idaacadaasi sheegtay ciyaarta labadaa dugsi dhexmartay waxay 90-daqiiqo ee loogu talo galay ku dhamaatay eber iyo eber, laakiin waxa loo dhigay rigoodhayaal, taas oo ay ciyaartoydii ka socotay dugsiga Lafoole ku guulaysatay 5 – 4, waxaana ciyaarta qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta qoyska.

Idaacadan oo loogu yeedhay Codka Shacabka waxa baahinteeda laga sheegay inay tahay Idaacad ku meel-gaadh ah oo tijaabo ku jirta.

“Shirkada Idaacadan furtay waa shirkadii Home Picture ee lahayd wargeyskii la odhan jiray codka shacabka, Idaacadan furitaankeedana waanu la socodsiinay maamulka, aad bayna u soo dhaweeyeen, laakiin maamulku waxaanay ilaa hada noo ogolaanin inaanu ka sii dayno barnaamijyo kale oo aan sugaanta ahayn.” sidaa waxa yidhi Eng. SICIID Maxamed Cilmi oo madax ka ah kooxda Idaacada furtay, wuxuuna Eng. Siciid intaa raaciyey in marka ay Idaacadani tijaabada ka baxdo ay dib ugu noqonayaan magaalada Hargeysa si buu yidhi aanu ruqsad buuxda ugu helno Idaacadan.

Dhinaca kalena maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo uu weriyaha Haatuf Idaacadan wax ka weydiiyey waxa uu sheegay inay joojinayaan Idaacadan maadaama buu yidhi aanay ruqsad haysan. Idaacadan waxa la dhigay badhtamaha magaalada Ceerigaabo, waxayna hawada soo gashaa 4:00 galabnimo, waxayna hawada ku jirtaa ilaa 10:00 habeenimo.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE
A. A. Garas

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan hirarka naasa-hablood, maantana waxaan idinku hurgufidoona Heello iyo wararba, waa kan weriye Mr. Habar-jaqe.

Warkii oo kambadhuudha
Dumaryawga dalka Shankaroonlaand balas-balastooda iyo bood-boodkooda laga seexan waayay, kadib markii damaashaad durbaanada ka sanqadhiyay maalintii shalay magaalooyinka laga dhex botoriyay.
Damaashaadkaas oo Xaawiyo Faadumo, iyo xeedhaba ka weynaa ayaan is idhi malaa aqoonsigiiba la sheegay mise Madaxweynihiibaa mataano u dhasheen, balse waxa la ii sheegay inay tahay maalintii haweenka dunida (Naag day), kaas oo sannadkasta dumarayowga raqasku ciyaaraan oo hadba halka ugu darran ama dhibaatada reer dumar haysata kaga hadlaan, ururrada carmashiyo caanalayda ayaa khudbaddo iyo ciyaaro ku soo bandhigay. Khudbadahaas oo aan qaar dhegaystay, waxay ahaayeen laba qodob oo kala ah: Bahal Aydhis la yidhaa iyo Ej ay fii is wata oo qofka uu ku dhaco xabaalaha aydhiska ku daraya. In labadaas bahal oo iswataa intay dalkeena soo galeen ay dumarayowgii iyo ragiiba aanay u kala aabo yeelahayn, kaas oo gabadh kasta oo dheg badan aan ka xishoonaynin. Fariintaas oo ay lahaayeen “Naa bahalkaasi inuu ina dhameeyuu doonayaaye is ilaaliya, ibtana ka adkaada Alle ha sahlee.”
Mar aan weydiiyay oo ku idhi labadan cudur ee AIDS iyo HIV, iyamaa cawaandisan, waxay igu yidhaahdeen, “Waar midna dadkuu soo qabtaa oo ibta ka xulaa, midna halkeeruu ku sugaayoo cudurrada kale ayuu dadka loogaa, waayo hubkii uu qofku cudurka iskaga difaaci lahaa ka dhigaa digaan-digta, waxna kama celiyo.”

Su’aal kale oo aan ku idhi “Bahalladani intay laa le’eg yihiin, ma dameeraha, mise Riyaha,” waxay igu yidhaahdeen; “Waar dhibiiqana ka yar-yar.”

Waxaan haddana su’aalay “Yaa keenay bahaladan, ma dimuquraadiyaduu la socday.”

Waxay igu yidhaahdeen: “Walaahi dimuquraadiyadu keentayaa mooyiye, labadoodaba xagaas Maraykan ayaa laga sheegay, lagase yaabaa inay diin la’aanta iyo doqoniimaduba keentay.”

Haddana waxaan weydiiyay; “Oo inkaarmooyinka is wata maxaa arlada looga qaban waayay markay soo gelayeen?”

Waxay iigu jawaabeen: “Waar dadkaa hoosta ku sitay.”
Bahaladaas oo berigii hore aan moodayay waxaan jirin oo gaaladu ku shaqaysato, waxa lay sheegay inuu alamtarana soo dhaafay. Wallaahi adhyahayagii waan u baqanayaa.

Arrinta kale ee dumarkaasi ka qayliyeen, waxay ahayd Gudniinka Fircooniga ah oo ay yidhaahdeen, bahalkaasi waa kaanu adhiga aqoonta uga lisi waynay.

Haweenkaas damaashaadayay mar ay hoostooda ka hadlayeen waxay sheegeen in gudniinka fircoonku dumarkii hoosta ka xasuuqay oo qayrkood ka reebay.

Habar hay sheegin igu tidhi oo arrintaas aan ka waraystay ayaan ku idhi: “Ee hooy..hooy, waa tii weligeedba aad hablaha yaryar isu qaban jirteen ee aad qodbi jirteene, yaa idiin sheegay inuu xun yahay, ma gaalada?”

Waxay iigu jawaabtay habartii: “Waar xataa diintaa imika lagu arkay oo aw hebel ka helay.”

“Oo markii hore miyaanay ku ooli jirin” ayaan weydiiyay, waxayna tidhi: “Waar way ku taalaye, raggaa kitaabka noo akhriyi jirayoo, way naga qarin jireen, oo waxay doonayeen in marna loo xidh-xidho, marna aanu u furno, saw xaasidiin maaha.”
Waxaan ku celiyay: “Ee horta maxaa ragga ugu gar-darootaan, ma rag baa idiinla yimaada, saw habar waliba inanteeda ma gudo oo siday doonto uma xidh-xidho?”

Waxay iigu jawaabtay: “Waar miyaad silan tahay, ragguba waa kuwa nagu kalifay markay guursanayaan ma naag aan qodbanayn bay kaa qaadanayaan.”

“Heblaayooy, raggu kolba wixii la horgeeyaba way iska qaadan bay ila tahaye, imika waatan oo rag iyo dumarba loo sheegye, hablihii sidii malaga daayay oo adigu kuwaaga ma ka bilowday, mise sibiraadada ayuun baa ka tidhaahdaa, halla joojiyo, hadhowna waa carruuro kaga cabaadintiinii?”

Waxay tidhi: “Horta jirtoo kuwayga waan qodbayoo cadhaan kula dhacay, ileyn anba hooyadaybaa igu samaysaye, laakiin bahalkaasi hablaha kadeed buu ku hayaaye halla joojiyo, magaalada way jiraan haween hablahooda ka daayay oo iska aaminay oo iyagoo af-banaan siidaayay. Alla haynoo sahlee cudurrana waa jiraan, ragna waa aqaanoo wax gurood ba’ay weeye oo inan yar iyo tu weyn toona dhaafi maayaan.”

S: Heblaayooy, waxaan ku weydiiyay waxaad I tidhi, arlada cudurraa ka jira ee hala dhawrsado, hablihiina waxaad leedahay yaan la qodbine oodda halaga daayo, sidee bay labadaasi isu qaabilayaan, miyaan dadkii maanka laga qaaday joogin oo gamta laysu joogsanayn?
J: Waar hooy, bahalkani ma inuu awalba rag nagaga filaa oo wax celinayaad moodaysay, waa tii hooyaday goblantaa inaanu odayna ka waabin jirin, waxaase aniga laygu yidhi habluhu hadeer baabay feejigo badan yihiin oo is ilaaliyaan, laakiin markii hore hagardaamo ayaabu ku hayay gudniinkaas fircoonigu.

Taasina waxay ahayd islaan aanan idiin sheegayn oo buulkeeda barbarkiisa aan wareysi kaga qaaday maalintii shalay.

Dhegaystayaal maanta waa maalintii haweeni iga hooya hees haweenay.
HEES
Ragga hooyadiiyeey
Marna habar-yartoodeey,
Marna tii la dhalatee
Raggu guursadaaneey,
Jacaylkiina awgii
Calooshaa na socotee,
Waa subaxndiiniiye
Sideediinii weeyee,
Hambalyo iyo salaam baan
Idin soo hulluuqshee
Iga hooya xaawalay
Idinkaa cawaandiya
Oo caruuraha jaqsiiyee
Yaa idin casili kara
Ama caayir kara gabadh
Naa joog ku odhan kara
Jaariyad ka dhigan kara
Horta anigu yaabaye
Maxay idiin yasayaan
Laan-gaab miyaa tiin
Inta gabadh dalkeeniyo
Kumayaal ka tima-dheer
Gaaridiyo dumaashida
Guryaha edeb la joogtiyo
Inta selleda sidatee
Suuqyada ordaysee
Subaxdiyo aroortii
Ragga uga qadhaabtee
Saaqidada masruuftiyo
Aqoonta iyo maatida
Aabahood ka waashiyo
Carmashiyo garoobtiyo
Hagbadlay hadaaftoo
Habeenkii gudaysoo
Kunba meel ka keentiyo
Inta wiifta haysiyo
Wadhatada hawaartee
Waaberiga kacaysee,
Walbahaarka liitee
Qaadlayda suuqyada
Qaaraha la orodee
Qaa’imada lagu jarayee
Qumayowday ee badan
Inta wegerka sidatee
Walla beena baratiyo
Garanlayda socotee
Hadba garande raaciyo
Gaadhi-fuulka baratee
Laamiyada guclaysee
Dhallanteed ku hadalkiyo
Dheel-dheelka lagu yidhi
Waan ku dhoofin doonaaye
Dhejiskaa la qaataa
Dhuubnidaa la jecelyee
Dhuuniga ha sii cunin
Inta marada weynee
Hayga baqanta sidatiyo
Al-qaacida sideedii
Afka duubatee dedan
Inta habar islaameed
Aadamaha wax taraysee
Odayada asaasaqay
Ubadkeena korisee
Afbartee u maydhee
Aabahood karaystee
Ay u tahay isguul ay
Ku bartaan akhlaaqaha
Muxuu inan-rag ka ogyahay
Inta faylka sidatiyo
Enjii-ooyalaydee
Arrimaha bulshada iyo
Aydhiskiyo xanuunada
Aafaadka jira ee
Afrikaba gumaadee
Uumiyuhu ka qayshee
Iyaguna itaalkood
Ololaha ku qaadee
Iska jira fidiyaay
Inta madaxda noqotee
Dalka ugu saraysee
Marwo qaaya badan
Edna iyo dirkeediyo
Ina Suudiyo Canab
Ilamaa Hudiyo Ruun
Inta laga ducaystiyo
Ururrada Nagaadiyo
Ambareela Naaw iyo
Alla aaminkoodiyo
Kafeerada laftoodee
Landan iyo baariis
Baarliin, Hargeysiyo
Burco iyo buyuud saloon
Banka tuuyo koofeer
Jifo uuray stayl iyo
Cooshad moodareen iyo
Cillaan saar farshaxaneed
Yartaan loogu tegi jirin
Rayiislaha haweenkee
Timaa lagu habeeyiyo
Inta hawlo adage
Haween ay qabtaanee
Hor Illaahay baa badan
Dalka horumarkiisiyo
Hagaajiisa doontana
Haween baa u farabadan.
Aqoontii la sheegtee
Rag ismooday keligii
Inay baran karaanee
Barafaysar sheegteen
Wiil baanu jirayee
Dumar badawsan jirayee
Laysla baray aqoontii
Bii ej dhii haween guray
Bayloodo soo noqoye
Badka dhigga kuraasida
Badhkayaga halaga kaco
Hadaydaan banaynayn
Bush baydin weerari
Anagaaba boobiyoo
Baarlamaan idiin noqon
Anagaan xisaabtamine
Gabadh xaafad joogtoo
Dhulka xaadha mooyee
Xildhibaanad lama arag
Xisbi dumarku leeyoo
Xoog weyna lama arag
Anaba xeerka baranaye
Xaakimad haweenoo
Xukun qaada lama arag
Xilka qaranku leeyahay
Xafiis joogid mooyee
Xoghayiyo agaasime
Maareeye xaadhe ah
Xataa wasiir xige
Xaawalay lama arag.
Xishood baa na laayee
Waagii xarbigu jiray
Xawda layska wada jaray
Gabadh xiisad kicisoo
Dad xasuuqday lama arag.
Raggii xiiqsanaan jiray
Xidigaha ku laalaa
Xaaraanta guran jiray ee
Xabadaha isla dhici jiray
Xannaaneeye mooyee
Weli xaasha meel kale
Xaynka dumarku muu marin.
Maayara xulayseen
Nagu xiijinayseen,
Xaafadaysta mooyee
Bal maruun xurmeeyoo
Xaawalay ka dhiga qaar
Ma xusuusateen weli.
Xaasidnimo maahee
Raggaw xeerka ma ogolid
Mana xumid sidii hore
Xaalku wuu yar dhaamaa.

Afartaa sidii dumar
Isdiloo dagaalamay
Timaha maysku wada xidhay,
Naag dumarka leysoo
Disha oo xag-xagatoo
Ciddiyiiba laga guray
Ragga wey ka baqataa
Naagahay qaniintaa
Sibinaar jacayl galay
Hablo gaalo siraysoo
Sasabayso hay’addi
Saddex erayna lagu raray
Lagu yidhi rag waa silic
Waa laga sareeyaa
Saydhiya carruurtoo
Saygiina soo naca
Sooray waanu ka xunahay.

Top


“Ma jiraan shirar qarsoodi ah oo aan qabtay, mana jiraan warar noocaas ah oo aan gobolka ka diray”

“Arintaasi Waa Shuqulkii Ceerigaabo, Waxaana Ku Leeyahay Anigu Ma Lihi Awood Aan Ahayn Gudoomiyaham Ceerigaabo”

Ku Simaha Badhasaabka Sanaag Iyo Maayarka Ceerigaabo Oo Si Adag Uga Hadlay Xaaladaha Kala Duwan Ee Gobolka

Ceerigaabo, March 9, 2004 (Haatuf) – “Ma jiraan ciidamo urursan oo iska soo horjeedaa oo gobolka Sanaag ama degmada Ceerigaabo ka jiraa”, sidaa waxa yidhi maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka hadlay shir-jaraa’id oo ay shalay isaga (Maayarka) iyo kusimaha badhasaabka Sanaag C/casiis Xasan Siciid wada jir ugu qabteen magaalada Ceerigaabo, waxayna labada masuul shirkooda jaraa’id si ba’an ugaga hadleen arimo kala duwan, sida xaaladda nabadgelyo, xaaladda abaarta, jawiga siyaasadeed ee gobolka ka jira iyo weliba arimo kale oo xiiso leh, iyaga oo isla markaana beeniyey warar dareen leh oo maalmahan dambe la isla dhexmarayey. Waxaana arimihii shirkaa jaraa’id lagaga hadlay nooga soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag C/rashiid Xasan Cabsiiye oo shirkaa jaraa'i’ goob-joog ka ahaa.

Ugu horayn maayarka ayaa hadalka u baxay, wuxuuna yidhi “halkan waxa ka jirta nabadgelyo, mana jiraan wax dhibaato ah oo culus oo la sheegaa iyo mid khafiif ah toona, balse magaalo walba way iska dhacdaa qof la dilo oo kii la dilay baxsado ama la qabto. Markaa waxa jirtay in Dararweyne lagu dilay nin booliska ka tirsan, arintaana waxa ka hawl-galay ciidamada qaranka iyo waayeel, waana la daba socdaa cidii falkaa geysatay si loo soo qabto oo gacanta loogu dhigo, mase jiraan ciidamo urursan oo iska soo horjeeda oo ka jira gobolka sanaag ama degmada Ceerigaabo, gobolka iyo degmaduna waa nabad”ayuu yidhi maayarku, laakiin isaga oo ka hadlaya ujeedada ay shirka jaraa’id u qabteen waxa uu yidhi “shirka jaraa’id waxaanu u qabanay si aanu u beenino wararka kuwa beenaalayaasha ah ee ka kaluumaysanaya degmada Ceerigaabo ama gobolkaba ee leh wax baa ka jira, waxaanuna leenahay waxba ka jiraan degmada iyo gobolkaba, cid allaale cidii noo imanaysa ee hayado ah ama madax ah waanu soo dhowaynaynaa”.

Maayarku isaga oo ka hadlay dhibaatada abaaraha waxa uu yidhi “gobolka waxa markii hore laga sameeyey qiimayn khaldan oo dhulkii abaaruhu ka jireen ayaa qaybo badan laga tegay, khaladkaana waxa galay hayadihii qiimayntaa sameeyey, iminkana dhibaatooyin hor leh ayaa ka cusboonaaday dhinaca buuraleyda ilaa xeebaha oo abaartii ayaa ka qaraxday, meel adagn xaaladdu way taagan tahay, sidaa darteed waxaanu dawladda iyo dhamaan hayadaha samafalka u soo jeedinaynaa in si degdeg ah dadkaa gurmad loola soo gaadho, anagu hadii aanu nahay reer Sanaag waxaanu ku noolnahay meel ka fog caasumadda, markaa waxaanu leenahay maanta hanaloo soo jeesto oo wax halaga qabto dhulka ka fog caasumadda”.

Intaa ka dib-na kusimaha badhasaabka gobolka C/casiis Xasan Siciid ayaa isna ka hadlay shirkaa jaraa’id, wuxuuna sheegay inay xaaladda nabadgelyo ee gobolku caadi tahay oo aanay ka jirin wax dhibaato nabadgelyo ahi, isaga oo dhinaca abaarahana isna dhaliilay qiimayntii hore ee lagu sameeyey xaaladda abaaraha gobolka, kuna baaqay in qiimayn dambe la sameeyo. “Waxaanu leenahay qiimayn dambe halagu sameeyo xaaladda abaaraha ee gobolka”ayuu yidhi kusimaha badhasaabku.
Hase yeeshee labadan masuul markii ay ka afqaadeen hadaladii ay ka jeediyeen shirkooda jaraa’id ayuu weriyaha Haatuf su’aalo ka waydiiyey arimaha kala duwan oo la xidhiidha xaaladda gobolka iyo masuuliyadahooda maamul. Waxaana ugu horayn wax la waydiiyey maayarka Ceerigaabo, waxayna su’aalihii la waydiiyey u dhaceen sidan:

S: miyey jiraan booyado biyaha u dhaaminaya dadka gobolka?

J: Gudoomiyaha hayadda aafooyinka Maxamed Muuse Cawaale warkii uu shaaciyey inta aanu ka war hayno hadii aanu nahay maamulka gobolka iyo ka degmada waxa na soo gaadhay 45 booyadood oo keliya, waxaana bixisay hayada SCF-USA, waxa kale oo aanu dareensanahay hayado badan oo abaaraha lacag ku qaatay ilaa iminkana aan sidii loo baahnaa u hawl-gelin.

S: Hayadaha aad sheegayso wax ma nooga magacaabi kartaa?

J: ilaa hadda waxaanu haynaa hayado badan oo liiska noogu jira, waxaanse jecelahay inaanan hadda magacaabin, hadiise ay iman waayaan waanu sheegi doonaa.

S: Maayar maadaama aad ka mid tahay guddiga nabadgelyada gobolka wax ma kala socotaa sababta uu gaadhigii booliska ahaa ee askarigu ku dhintay u tegay Dararweyne?

J: Anigu kama warami karo sababta uu gaadhigaasi u tegay Dararweyne, waxaanse ogaa inuu gaadhigaasi qabanayey Ceel-afweyn.

S: Maayar waxa jira warar lagugu xanto oo odhanaya maayarku waa ninka keliya ee ka taliya gobolka, taa maxaa ka jira?

J: Arintaasi waa shuqulkii Ceerigaabo, waxaana ku leeyahay anigu gudoomiyaha Ceerigaabo oo keliya awood ka weyn ama ka fidsan ma lihi.

S: Maayar intee buu le’eg yahay khasaarihii ka dhacay kaymaha buurtii Daallo ee toddobaadkii hore gubtay?

J: Ilaa hadda khasaarihii wuu socdaa, waxa jira konton qof oo dabka hareereeya, markaa kharash baa socda ee marka uu kharashkaasi joogsado ayaanu idiin sheegi doonaa khasaaraha.

Inkasta oo aanu maayarku sheegin, hadana waxa jira warar sheegaya inuu khasaaraha ka dhashay dabkii ka holcay kaymaha buurta Daallo intaa maayarku afka ku dhuftay ka badan yahay, iyadoo ay wararka qaar leeyihiin waxa jira khasaare dad iyo duunyo ah oo uu dabkaasi sababay.
Dhinaca kalena kusimaha badhasaabka C/casiis Xasan Siciid ayaa isna dhiniciisa su’aalo laga waydiiyey xaaladda gobolka, waxaana ka mid ah su’aalaha la waydiiyey su’aal ahayd “waxa la leeyahay wararka nabadgelyada gobolka shakiga geliyey adiga ayaa mar hore diray ee maxaa ka jira”, wuxuuna ku jawaabay “ma jiraan warar noocaas ah oo aan anigu diray”. Sidoo kale kusimaha badhasaabka waxa la waydiiyey su’aal kale oo ahayd “falka Dararweyne ka dhacay miyuu wax xidhiidh ah la leeyahay xadhiga boqor Cismaan Aw-Maxamud”, wuxuuna ku jawaabay “horta qabiilka boqorku meel kasta wuu ka kacay , waxayna codsanayaan in la soo daayo boqorka, markaa taa waxa ka mudnayd in qaab nabadgelyo ah loogu soo daayo, waayo boqorku waa boqor Somali ah, waa boqor reer Sanaag ah, qofkuna hadii uu dembi galo waa la qaban karaa, markaa waa inay ku doodaan si sharciga waafaqsan, dilkanina wax xidhiidh ah lama laha xadhiga boqorka, waxaana noogu maqan baadhitaan”.

Hadana kusimaha badhasaabka waxa la waydiiyey “gaadhiga bilayska ahi waa maxay sababta ay u tageen Dararweyne”, wuxuuna ku jawaabay “gaadhiga booliska ah waxa loo diray Ceel-afweyn si ay ula shaqeeyaan garsoorayaasha, waxay mareen wadadii Ceel-afweyn waddo ka duwan, markii aanu taliyaha qaybta waydiinayna fariin gaar ah oo aan sii faray baa jirtay”.

Waxa jira eedaymo loo jeediyey kusimaha badhasaabka oo la leeyahay shirar qarsoodi ah ayuu la galay kooxo gaar ah oo reer Ceerigaabo, laakiin taa waxa uu kaga jawaabay, “ma jiraan shirar qarsoodi ah oo aan gobolka ka galay”.

Kusimaha badhasaabka mar la waydiiyey wararka sheegaya inuu maayarka Ceerigaabo awoodda maamulka gobolka ka fara maroorsado badhasaabka, wuxuuna su’aashaa kaga jawaabay “wararkaas wax ka jiraa ma jiraan, aniga iyo maayarka magaalo-madaxduna waanu wada shaqaynaa, wax kasta oo nagu yimaadona iskaashi iyo wada tashi ayaanu la yeelanaa, maayarka magaalo-madaxduna waxa uu ka mid yahay guddiga nabadgelyada gobolka, sida kalena maayarada kale ee dalka ayuu la mid yahay”.

Top


Mudane Golaha Degaanka
Saylac Ah Oo Sheegay Inuu Ka Baxay KULMIYE, Kuna Biiray UDUB

Boorama March 9, 2004 (Haatuf) mid ka mid ah labada xildhibeen ee Xisbiga KULMIYE kaga jira Golaha deegaanka degmadaasi ayaa go’aansaday inuu ku biiro xildhibeenada UDUB  ee aqlabiyadda ku leh Golahaasi oo ka kooban 17 xubnood.

Sida uu wariyaha Haatuf ee Awdal u sheegay Nuur Cismaan Guuleed ,kana tirsanaa xisbiga KULMIYE  ee laga soo doortay deegaanka Saylac ayaa yidhi”Waxan go’aansaday inaan ka tego KULMIYE kuna biiro UDUB iyadoo aanay cidi igu khasbin ama aanay igula talin ,waxanan filayaa in tallaabadan aan UDUB  ugu biiray ay tahay mid aniga ii gaar ah taa soo aan dan uga leeyahay inaan degmadaasi   u horseedo horumarka xag adeeg iyo xag maskaxeedba Waxaan ahayn laba xildhibaan oo KULMIYE  kasoo galay golahaasi waxaa haatan ku hadhay hal xildhibaan,anigoo rajaynaya in dadka u dhashay deegaankaasi soo dhaweyn doonaan ku biiristayda aan kusoo biiray xisbiga UDUB”.

Top


“Ismaan Lahayn Madaxtooyadii Aan Nabadgelyadeeda
Ilaalinayey Ayaa Lagugu Hor Dilayaa”
Maxamuud Sheekh Cumar Oo Ka Tirsan Ciidanka CID-Da

Hargeysa, March 9, 2004 (Haatuf) – “May ahayn wax aan filayey, laakiin mar qudhan ayey ilaalada madaxtooyadu igu tumatay”, sidaa waxa yidhi Maxamud Sh. Cumar oo ah askari dharcadda CID-da ah oo ay ilaalada madaxtooyadu xalay caweysinkii ku garaaceen banaanka albaabka madaxtooyada Somaliland, waxayna u geysteen nabaro badan oo jugo ah.
Maxamud Sh. Cumar oo xalay habeen-badhkii nagu soo booqday xarunta wargeyska Haatuf, isaga oo Ul ku tukabaya, isla markaana sita waraaq dhaawac muujin ah oo uu ka soo qaatay saldhigga dhexe ee Bilayska Hargeysa, lana soo maray cusbataalka Guud. Dabadeedna Maxamud Sh. Cumar waxa oogadiisa ka muuqday nabaro bararsan, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa ciidamada bilayska dharcadda ah ee ka shaqaynaysay nabadglyada, iyadoo ay xalay xarunta madaxtooyada ka jirtay xaflad ay xaflad ay haweenka NOW qabteen oo ku saabsan xuskii maalinta haweenka aduunka.

Maxamud isaga oo ka sheekaynaya sidii wax u dhaceen waxa uu yidhi: “shantii galabnimo ayaa nala keenay xarunta madaxtooyada anaga oo ka shaqaynaynay hawlo nabadgelyo, dabadeedna askarta ilaalada madaxtooyada ayaa aniga iyo nin kale oo isna askari dharcadda bilayska ah mar qudha nagu tunta, askartaa waanu isu sheegnay inaanu nahay askar dharcadda bilayska ah, aqoonsigayagiina waanu tusnay, laakiin waxaas oo dhan dheg uma ay dhigin ee dhirbaaxo iyo budh ayey nala dhaceen, xiligaa ay na dilayaana xataa taliyahayagii iyo taliye xigeenka qaybta bilayska Hargeysa waxay ku jireen gudaha madaxtooyada”.

Maxamud Sh. Cumar waxa kale oo uu yidhi, “ismaan lahayn madaxtooyadii aan nabadgelyadeeda ilaalinayey ayaa lagugu hor dilayaa, intay na garaaceen ayey muruqyada naga tumeen, jidh dilna way nagu sameeyeen, mana garanayo sababta ay nagu dileen, waadna aragtaan nabarada oogadayda ku yaal”.

Top


Dastoorka Cusub Ee
Ciraaq Oo Qallinka Lagu Duugay

Baqdaad March 9, 2004 (W.Wararka) Gudiga ku meelgaadhka ah ee Ciraaq ayaa shalay qalinka ku duugay Dastuurka Cusub ee loo sameeyey Ciraaq kadib markii ay ku yimaadeen dib u dhacyo dhawr ahi.

Xafladii saxeexa Dastuurkan oo ka dhacday xarunta golaha maamulka Ciraaq waxa magaca golaha ku saxeexay Maxamed Baxrul Culuum oo haatan ah gudoomiyaha golahaasi, waxaanu sheegay in Dastuurkan cusubi uu wadada u xaadhayo doorashiiyin dalkaasi ka dhaca.
Dhinaca kale,Warbixin shalay la soo saaray ayuu urur caalami ah oo u doodda xuquuqda aadanahu ku dhaleeceysay unugyo ka mid ah sirdoonka milatariga Mareykanka ee ka hawlgala dalalka Afqaanistaan iyo Ciraaq ficilladooda.

Ururuka Human Rights Watch ee saldhiggiisu yahay dalka Mareykanka ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah ciidamada Mareykanka in ay adeegsadaan xoog xad dhaaf ah, xadhig iyo weliba dadka oo si xun loola dhaqmo marka ay xabsiyada ku jiraan.

Dawladda Mareykanku waxay gudaha dalka Afqaanistaan ku haysaa ilaa 9000 oo askari oo Mareykan ah kuwaasoo shaqadooda koowaad ay tahay in ay la dagaallamaan xubnaha Daliban ee dawladdii la riday iyo Al-qaacidda, laakiin ururkani xuquuqda aadanaha u dagaallama wuxuu leeyahay qaar badan oo ka mid ah ficillada Mareykanku waxay ku xadgudbayaan shuruucda caalamiga ah.

Warbixintu waa cambaareyn, waxaana magaceeda loo bixiyey, 'ku talax-tag xorriyadda ee ciidamada Mareykanka ee Afqaanistaan'.
Warbixintu waxay xoogga saareysaa habka ay ciidamada Mareykanku ugu xidh-xidhaan dadka xerooyinkooda gudahooda ee ku baahdan dhammaan dalka, taasoo ay warbixinta Human Rights Watch ku tilmaantay in ay tahay arrin sideedaba dibadda ka ah sharciga.

Sida warbixinta Human Rights Watch sheegtay, ugu yaraan kun qof oo Afqaanistaaniyiin ah iyo weliba dad dhalashooyin kale leh ayey Mareykanku xabsiyada dhigeen ilaa sannadkii 2002.

Warbixintu waxay leedahay xadhiggani waxaa inta badan la socda adeegsiga awood xad-dhaaf ah ama mid jidh-necbaysi uu ku jiro, taasoo keentay dhimashada ama dhaawaca dad aana waxba geysan.
Mar haddii qofka la soo dhex dhigo xabsi, in lagu tacaddiyo waaba iska caadi ayuu yidhi ururkan xuquuqda aadanaha u dagaallama.
Dadka xabsiyada ku jira waxaa inta badan loo diidaa in ay hurdaan, kulaylna waa lagu furaa, mararka qaarna waaba la garaacaa, farsamooyinkaas oo dhanna waa kuwa ay dawladda Mareykanku ku cambaareyso dalal kale in ay dadka xabsiyada ku dhex jidh-dilaan.
Hab-dhaqanka noocaas oo kale ah, ayaa warbixinta lagu soo gebagebeeyey, in ay tilmaameyso in dawladda Mareykanku ay u dhaqanto hab laba-wejiilennimo.

Afhayeen u hadlay milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay dhaleeceeynta si dhab ah u qaadanayaan, laakiin haddana wuxuu yidhi warbixintu waxay muujinaysaa in aanay waxba ka fahamsanayn xaaladda gudaha ee dalka Afqaanistaan.

Warbixintu waxay leedahay ayuu yidhi afhayeenka milatariga Mareykanka waa in la adeegsadaa habka dacwo-maamulka booliska, laakiin halkan Afqaanistaan waa meel uu dagaal ka socdo ayuu yidhi Afhayeenku.

Top


Maraykanka Oo Sii Deynaya Xubno Ingiriiska
Kaga Jiray Xabsiga Guatanaamo

London March 9, 2004 (W.Wararka) Shan nin oo ay dhalashadoodu tahay British ayaa dhawaan laga soo sii deynayaa xabsiga Guantanamo Bay ee Kuba ku yaalla, laakiin weli afar kale ayaa ku sii hadhsanaanaysa xabsiga, Mr Blunkett-na wuxuu caddeeyey in dawladda Britian ay ka walaacsan tahay raggaasi.

Mr Blunkett oo ah sarkaal katirsan dawlada Ingiriiska ayaa sheegay in uu ku talo-jiro in uu ku cadaadiyo saraakiisha Mareykanka in ragga British-ka ah ee ku jira xabsiga Guantanamo la siiyo waxa uu ugu yeedhay xisaabtan macquul ah.

Waxa uu sheegay, waa Mr Blunkett-e, in uu soo hadal qaadi doono xaaladda raggaasi afarta ah iyo sida loo hayo.

Laba ka mid ah afartaasi oo kala ah Moazam Begg iyo Feroz Abbasi ayaa waxay hadda ku fool-leeyihiin in la soo taago maxkamad ay guddi milatari ahi qaadayaan.

Aragtida dawladda Mareykanka ee ku wajahan raggaasina wuxuu in muddo ahba ahaa in labadaasi nin gaar ahaan ay tahay in ay ka jawaabaan arrimo halis ah.

Si gaar ahna, saraakiisha Mareykanku waxay soo jeediyeen in dawladda Britain ayba ku faraxsanaan lahayd in raggaasi lagu sii hayo xabsiga.
Waxaa la filayaa in taageereyaasha raggaasi ay ku mudaaharaadaan aqalka cad ee Mareykanka, iyagoo ku doodaya in raggaasi aanay wax dembi ah lahayn, taasoo uu si weyn u diiddan yahay maamulka madaxweyne Bush, waxaana hadda soo kordhaysa cadhada ku saabsan sida maxaabiista ku jirta Guantanamo Bay loo tuso dunida oo ah in ay yihiin dad xuquuqdooda lagu xad-gudbay, halka uu maamulka Mareykankuna doonayo in loo arko in ay yihiin dilaayaal.

Top


Nukliyeerka Iran Iyo
Liibiya Oo Muran Ka Taagan Yahay

Vienna March 9, 2004 (W.Wararka) Dr Al-Baraadici, madaxa hay'adda quwadda atoomika caalamiga ah, ayaa sheegay in Libiya iyo Iran ay labaduba muddo dheer ku xad-gudbayeen xeerarkii iyo heshiiskii ahaa in aanay faafin quwadda nukliyeerka.

Dr Al-Baraadici wuxuu ugu baaqay labada dalba in ay fur-furnaadaan hay'adda quwadda atoomikada caalamiga ah.

Isagoo ka jawaabayey baaq ay dawladda Iran u soo jeedisay hay'adda quwadda atoomikada ee ahaa in ay laabto galalka ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iran, ayuu Dr Al-Baraadici sheegay in galalkaasi la laabi doono oo keliya marka ay hay'adda quwadda atoomikadu dhammaystirto hawsheeda ay ku xaqiijinayso hawlihii nukliyeerka ee Iran ee xilliyadii la soo dhaafay.

Dr Al-Baraadici wuxuu kaloo sheegay in uu warbixinta qalabka nukliyeerka iyo weliba suuqa madaw ee ka ganacsiga nukliyeerka ee la ogaaday u gudbin doono guddiga hay'adda.

Waxaa kaloo uu Dr Al-Baraadici sheegay in uu sidoo kale gudbin doono ra'yigiisa ku saabsan amuurtan ee sida loo taabbagelin karo heshiiskii ahaa in aanu fidin nukliyeerku.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay hay'adda quwadda atoomikada ayaa sheegay in la filayo in ay Liibiya saxeexdo in ay oggoshahay baadhitaan xoog leh oo ku saabsan goobaheeda nukliyeerka, oo uuna saxeexaasi ka dhici doono xaflad lagu qaban doono magaalada Vienna toddobaadkan. 

Top


AF JINACLEY
Sheeko – Waxa qoray A. A. Garas, Waxaana Tifaftiray A. Ducaale
Q: 60aad

“Jibriil iyo walaalkii aad bay isugu qabteen arrintaa, waxaana dhexmartay colaad xun, wayna kala cadhoodeen, kadib markii uu Jibriil dhegaha ka furaystay talada walaalkii ee odhanaysa gabadhaa ha guursan, wuuna guursaday gabadhii Shukri oo markaa magaceedu yahay Muxubo Qaasim, isla markaana magaaladii uu walaalkii joogay wuu kala guuray oo meel kale ayuu la qabtay, laakiin ninkii weynaa ee walaalkii intaa kaga hadhin ee olole lid ku ah iyo dacaayad ayuu ka daba qaatay, wuxuuna carriga u mariyay: “Kii yaraa ee aanu walaalaha ahayn, wuxuu guursaday naag aan la garanayn abkeed iyo isirkeed toona oo xataa loo malaynayo inay lama-yaqaan tahay.”

Hase yeeshee, waxaas oo dhan dheg uma dhigin ee gabadhaa ayuu u go’ay, reerkoodiina way kala dhinteen.

Jibriil waxa ugu darnaa ninkii weynaa ee ay walaalaha ahaayeen oo waagii beryaba cay iyo ceebayn la daba-jabacsaday, isaga oo meel kasta la taagan: “Wallee maanta ayuun baanu dheg-xumo iyo naanays carrada uga baxnay, waxaas oo dhan waxa noo soo jiiday wiilkaa yare e naaga lama-yaqaanka ah noo soo xereeyay, iyadoo la ogyahay inaanu nahay qoys ab iyo sinji u leh xer-u-dhallanimo.”

Dabadeedna ninkii Jibriil iyo gabadhiisii Muxubo [Shukri] markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada iyo ceebaynta joogtada ah ee Jibriil reerkoodu ku hayo ayay magaaladiiba uga guureen, waxayna u guureen tuulo yar oo meel xeebaha koonfureed ah ku taal, waxayna noqdeen kalluumaysato. Xirfadaha badda lagaga xoogsado ayay aad u barteen, sida; dabaasha iyo isticmaalka qalabka lagu kalluumaysto. Dabadeedna waxay noqdeen qoys si wanaagsan nolosha ugu xasilay, waxay isu dhaleen laba carruur ah, isla markaana waxay tabcadeen hanti badan, laakiin labadii carruurta ahaa mid ayaa kaneeco ka dishay oo dhintay, midna waa u noolyahay.

Reer Jibriil waxay noqdeen qoys maal-qabeen ah, waxayna leeyihiin dhawr doonyood oo kuwa kalluumaysiga ah. Hase yeeshee, Jibriil wuxuu Cawil u sheegay inay muddo hadda sannad laga joogo qoyskii reer Jibriil dhibaato ku dhacday oo uu ninkii dhintay, sidaana gabadhii Shukri ku agoomowday. Dabadeedna reerkii uu ninku ahaa markii ay maqleen ninkii dhimay ayay agoontii u tageen oo xoolihii uu ninkii uga dhintay ku qabsadeen.

Ninkii weynaa ee ay Jibriil walaalaha ahaayeen ee Haaruun ee Shukri necbaa ayaa markii uu maqlay inuu walaalkii dhintay isu diyaariyay inuu Shukri dumaalo, dabadeedna gabadhii Shukri ee iyada iyo ninkeediiba la isku nacay ayaa loo soo doonyeystay oo guur iyo hadhiimo adduunba laga doonay, laakiin Shukri markii loo sheegay inuu ninkii ay walaalkii iyo iyadaba nolosha ku kala dhinteen dumaal uga fadhiyo, waxay arrintaasi ku noqotay laba geeriyood, kadibna ganafka ayay ku dhufatay inuu ninkaasi dumaalo, waxayna tidhi: “Ninkaasi wayga inankayaga iyo aabahay.”

Dabadeedna markii Shukri laga quustay ee ay dumaashii diiday ayaa xoolihii uu ninku ka dhintay laga qaaday oo dhaxalka laga tuuray, waxaana iyadu [Shukri] iyo inantii yarayd ee agoonta ahayd loo tuuray waxoogaa yar oo faro-guudkood ah.

Dabadeedna Shukri waxoogaagii yaraa ee lacagta ahaa ee loo soo tuuray ayay intay inanteedii yarayd soo xambaaratay noolna ka soo dhigatay oo ku soo dhooftay, waxayna hadda joogtaa magaalada Burco, welina ma garanayso cid ay tahay iyo cid xigto u ah toona, waayo; xusuustii ka luntay weli uma soo noqon. Sidaa darteed, Cawilow wuxuu alleba kuugu sahlay gabadhii Shukri wixii dhacayba ma xusuusna”, ayuu yidhi Faarax Fidhin oo Cawil waramayaa, isaga oo intaa raaciyay; “Adiga iyo dameerkii iyo hooyadeed toona ma xusuusna.”

Sheekada Faarax Fidhin ee ku saabsan Shukri iyo qisadeeda, waxay ahayd sheeko dheer oo 2 saacadood iyo dheeraad qaadatay, laakiin Cawil intaa ay sheekadu socotay mar qudha Nu’ ma odhan, ismana dhaqaajin, ishiisa iyo dhegtiisuna waxay sida ateenada rayowga ugu rakibnaayeen kelmadaha ka soo baxaya afka Faarax Fidhin. Sidii qof faleebo ku rakiban tahay, Cawil mar qudha ma nuuxsan, waayo; wuxuu aad u xiisaynayay warka Shukri iyo wixii dunidii ka dhacay intii uu ka soo maqnaa, dabadeedna markii uu Faarax Fidhin warkii u dhameeyay ayay ninkii Cawil neefi ka soo boodday, waxaana ka mid ahaa waxyaalaha uu Cawil sida gaarka ah ugu farxay gabadhii Shukri hadda cidi ma qabto, isla markaana xusuusteeda way ka guurtay wixii hore ee ku sinnaa qisadii dameerka iyo wixii ka horeeyay oo ma garanayso.

Dabadeedna ninkii Cawil inta uu ilaaway xaaladdii uu ku jiray iyo reerkii ay is-dileen ee uu gabadha ka guursaday ayuu mar qudha maskaxdiisa hawl-gal kale ku jiheeyay, wuxuuna yidhi: “Faaraxow sidee baynu hadda Shukri ugu tegi karnaa.”

Faarax laftiisa ayaa ilaaway xaaladdii meesha ka taagnayd iyo dagaalkii socday, wuxuuna ku jawaabay; “Waa sahal sida aynu Shukri ugu tegaynaa, maxaa yeelay aroorta ayeynu halkan [Hargeysa] gaadhi ka raacaynaa, kadibna barqadaba waxaynu tegaynaa Burco, Shukrina judhaaba waynu helaynaa.”

Cawil baa yidhi: “Adigu miyaad garanaysaa halka ay Shukri joogto.”
Faarax Fidhin baa yidhi: “Haayoo, waxay haysataa meel yar oo sandaqad ah oo shaaha iyo alaabooyin yaryar oo kale lagu iibiyo, meheraddaa yarina waxay ku taal suuqa badhtankiisa.”

Dabadeedna Cawil iyo Faarax waxay isku raaceen inay aroortii baxaan oo Burco qabtaan, ninkii Cawilna culays weyn baa dareenkiisa ka dhacay.
Intaa markii ay hoosta ka xariiqeen ayay Cawil iyo Faarax Fidhin fadhiga ka kaceen oo ay ka daba-tageen dumarkii iyo dadkii xaafadda ee dagaal tegay, kadibna qaarkood la xidh-xidhay, waxayna ilaa maalintii iyo ilaa habeenkii oo dhan ka shaqaynayeen soo dayntii iyo soo-furdaaminta dadkii la xidh-xidhay, taas oo ay ku guulaysteen inay dadkii xaafadda lagaga xidh-xidhay soo wada daayaan.
Dabadeedna subaxnimadii markii la gaadhay ayay Cawil iyo Faarax Fidhin safar u diyaar-garoobeen.

Faarax Fidhin ayaa gabadhiisii ku yidhi: “Naa shandad dhawr shay iigu rid, waxaan gaadhayaa Burco’e,” kadibna shandadii ayay u diyaarisay. Laakiin Cawil waxa uu wal-waalanayaa shandado dhawr ah oo ay dhar, lacag iyo alaabooyin kale oo qaali ahi uga buuxaan. Faarax Fidhin ayaa u yeedhay tagsi uu leeyahay nin ay isku reer yihiin oo uu habeenimadii soo ballamiyay, halka uu Cawilna u yeedhay tagsiilihii ay Hargeysa ku saaxiibeen ee Raawis. Dabadeedna subixii markii ay hudheelkii isugu yimaadeen, iyadoo uu midba dhinac tagsi ka soo ballamiyay, ayaa Faarax Fidhin Cawil ku yidhi: “Waxaan inoo soo kaxeeyay tagsi uu leeyahay mid reerkeena ahi.”

Cawil ayaa isna ku jawaabay; “Inaadeer waxaa soo ballamiyay oo hudheelka hortiisa inoo taagan nin tagsiile ah oo aanu saaxiib nahay, ninkaas oo aanu Hargeysa isku barranay, waxa uu ahaa ninka keliya ee aan adiga ka hor Hargeysa ka garanayay ee tol iyo ehelba ii ahaa. Ta kale ganacsigu qabyaalad ma laha’e, iska fasax tagsiilaha reerkeena ah, waxaynuna kaxaysanaynaa tagsiilahan saaxiibkaye, weliba maadaama aad u yeedhay hoo lacagtana sii oo raali ahow ku dheh.”

Lacagta uu Cawil u dhiibay Faarax Fidhin ee uu ku yidhi tagsiilaha sii waa lacag ku laban-laabmaysa inta tagaasida sii socod iyo soo-socod loogu kiraysto Hargeysa ilaa Burco.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Maxaa Keena Inay Kaadidu Qofka Gubto?

Hab-dhiska Kaadi-mareenku waxa uu ka mid yahay qaybaha ugu muhiimsan qaab-dhismeed jidhka aadamaha, wuxuuna hab-dhiska kaadi-mareenku qaabilsan yahay qashin-saarka. Xubnaha kaadi-mareenka waxay isa soo galaan xubnaha taranka, waxaana qaybahan la isku yidhaahdaa afsoomaali ahaan Macdanta qofka. Laakiin cilmi ahaan qaybahan waxa la kala yidhaahdaa qashin-saarka iyo xub-naha taranka aadamaha. Waxa casrigan la ogaaday inay qaybaha macdanta la isku yidhaahdo ka mid tahay ama xidhiidh la leedahay curuuqaha baahsan ee Maskaxda ka soo farcama, waxayna dhowaan la ogaaday inay maraan 31 xidid oo ay qaar yihiin kuwo aanay ishu qaban karin, marana xub-naha taranka aadamaha. Xididaas ayaa la sheegay inay u badan yihiin kuwo dareen wad ah oo ka madax banaan maskaxda weyn iyo koontaroolkeeda, waxaana dhici karta inay mararka qaarkood maskaxdu hoos timaado dareen ahaan, ka dib markii ay xididaasi taageero weyn ka heleen wad-naha. Hase yeeshee hadii aan u soo daadego ujeedada qormadan waxa inay kaadidu mararka qaarkood qofka gubto (dhibto). Laakiin dhibaatadaa way ku kala gadisan yihiin labka iyo dhedigu, balse si guud ayeynu halkan ugaga hadlaynaa.

Sidaa awgeed kaadida oo qofka gubta waxa keena ama u sabab ah jeermis inta badan ka dhasha nadaafad darada, kaas 80% qofka kaga yimaadda xagga debedda (oogada jidhka). Arrintani siyaalo kala duwan ayey u saamaysaa qofka xaaska leh iyo qofka aan xaaska lahayn, waxaana laga yaabaa inay ragga iyo haweenku arrintan ku kala saamayn duwan yihiin. Dumarku waxay u baahan yihiin inay sameeyaan is-nadiifin dheeraad ah, inkasta oo ay taasi ku xidhan tahay qofk iyo dedaalkii iyo qof iyo dhaqankiisa iyo garaadkiisa dabiiciga ah. Qaacidooyinka caafimaad ee arrintan ku soo arooray waxay dumarka ku baraarujinayaan inay si dedaal leh uga shaqeeyaan xaaladooda nadaafadeed, isla markaana si joogto ah uga war-hayaan fayo-qabka xub-nahooda taranka ama kaadi-mareenka, iyadoo muhiim tahay inay dumarku bartaan cilmi iyo aqoon ku fillan. Waa inay xidhiidh joogto ah la yeeshaan hawl-wadeenada iyo dhakhaatiirta caafimaadka si ay u bad-baadiyaan ama ula tacaalaan xaaladooda caafimaad ilaa intii suurto gal ah, waxaana muhiim ah inay maanka ku hayaan inay xub-naha taranku yihiin wershad wax soo saar ta ugau muddan. Sidoo kale ayey raggana muhiim tahay inay ndaafadooda ilaaliyaan, gaar ahaan nudaha xasaasiga ah.

Waxyaalaha kaadi xanuunka keena waxa ka mid ah:

Qofka oo kaadida xejista
Biyaha jidhka qofku u baahan yahay oo ku yaraada.
Suunka ama shay kasta oo dhexda lagu giijiyo.
Caloosha oo aad isu taagta (calool istaag xoog ah).
Shay adag oo aad ku fadhiisato oo aad duburta saarto.
Gal-mada oo aad ku talaabsatao, iyadoo ay kaadi xoog lihi ku hayso.
Adiga oo wax badan meel bacad ah lugeeya.
Isticmaalka surwaal ama nigis cidhiidhi ah.
Kaadida oo aad iska mariso shay aan munaasib ahayn, sida: dhagax kulul.

Shay biyo ku jiraan oo aad dad badan la isticmaasho xagga istijiyada.
Isticmaalka sigaarka faraha badan ayaa is-na qayb ka qaata.
Cabista khamriga iyo waxyaalo kale oo la nooc ah.
Hurdo la’aan ama xanuun nafsaani ah oo qofka ku dhaca iyo waxyaalo kale oo badan.

Sidaa awgeed waxyaalaha aynu kor ku soo sheegnay hadii la iska ilaaliyo waxay ka dhigan tahay xanuunkii oo laga hortegay ama la daweeyey. Waxa kale oo iyana arimahan aynu kor kaga soo hadal-nay u wanaagsan shaaha oo lagu darsado waxyaalo ay ka mid yihiin sinjibiil, hayl, qorofal iwm.

Adiga oo xidhiidh la yeesha dhakhtaradda aqoonta u leh xanuunada xub-nahan asiiba ayaa iyana muhim ah. Waxa kale oo iyana fiican in hadii ay xanuunadani ku asiibaan aad qaadato dawo munaasib ah. Hadal iyo dhamaan waxa haboon in laga jejignaado halista xanuunadani keeni kara. Waxay saamayn ku yeeshaan xub-naha tarranka, taas oo laga yaabo inay dhalmo la’aani timaado. Waxa kale oo ay dabada ku wataan ama sababi karaan xanuunno ay ka mid yihiin dhiig-kar, wad-no xanuun iyo caafimaad daro dhinaca maskaxda ah. Sidaa darteed waa inaan la dhayal-san xanuunka gub-niinka kaadida ay gubto marinka kaadi-mareenka.

Maxamed Sagax, Hargeysa.

Top


Dimuqraadiyadda Iyo Hanaanka Axsaabta Siyaasadda Somaliland
Qore: Axmed Faarax

Dalka JSL siyaasadiisa cusub ee dadweynuhu codkooda dastuurka ay aqlibiyad baaxad leh bishii May 3, 2001-kii ku muujiyeen (97.2%) tiradii codeysay in noqoto “Hogaaminta siyaasada iyo maamul guud ahaanba uu ku salaysanaado habka (axsaabta tirada badan) “multi party system” oo ah dimuqoraadi ah iyo hogaaminta maamulkeeda, oo kala ah dhinaca dawladda dhexe iyo dawladda hooseba.

Sidaa darteed, waxa la qorsheeyey maamul ahaan in dhidibadaba loo taago dhamaan tiirarka dastuurka ah ee lagu fulin lahaa qaab dhismeedkii ku haboonaa ee hirgelinta siyaasada kala guurka ee geedi socodka hogaamadii iyo maamuladii hore oo ku salaysnaa habka qabaa’ilka, iyadoo loo guurayo habka axsaabta tirada badan iyo doorashooyin xor ah oo madax banaan (free & fair election).
Waxa isla markiiba doodo is-daba joog ah ka yeeshay golayaasha JSL oo maamuladii dawlada ku kelifay in ay si deg-deg ah oo cayiman loo fuliyo sidii loo hirgelin lahaa hawlaha qabyada ah ee xagga sharciyada iyo awood dhaqaale, maamul ahaanba loo heli si loo dhamayn lahaa tiirarka aasaasiga u ah in loo hir-geliyo si qaran buuxa oo ku salaysan qaab dhismeedka axsaabta, loona hanan lahaa oo si xoriyad taam ah looga soo doortay dhamaan degmooyinka dalka JSL. Nasiib wanaag, waxa si buuxda dastuurkana waafaqsan loo fuliyey dhismihii:
Gudiga qaranka ee diwaan-gelinta axsaabta ee ka mid ah ururada is-diwaan geliyey in siyaasada hogaaminta iyo maamulida degmooyinka ku loolamaan
Hay’adda dooroshooyinka qaranka oo dastuuri xubneheeda todobada qof oo madax-banaanaa oo u xil-saaran maamulka iyo ilaalinta qaabka loolanka siyaasada dalka muddo shan sanno ah.

Bishii December 2, 2002, waxaa si nabadgelyo ah xoriyadna leh uga hirgalay doorashooyinkii dawladaha hoose ee ururada siyaasada ku loolameen golayaashii 17 degmo oo ka mid ah 23 degmo ee ka kooban yihiin lixda gobol ee dalku, taas oo guul cidkasta u ahayd, beesha caalamkuna tusaale wax ku ool ah ugu muujisay in si hufan geedi socod qaabka qabaa’ilka ku bilaabmay kuna dhamaaday hab dastuuri ah oo ku salaysan qaad dimoqraadi ah oo axsaabta tirada badan ee siyaasadu ku loolameen hogaaminta iyo maamulka golayaasha degaanka ee dhamaan degmooyinka dalka JSL, si adeegyada aasaasiga ah ee arrimaha bulshada iyo qorsheyaal midaysan oo si dheeli tiran loo maareeyey loogu samayn lahaa.

Mahad-naq iyo awood fulinba waxa iska leh illaahay iyo ummada reer Somaliland oo hiil iyo hooba u ahayd dib u dhiska qaranka burburay.
Laakiin waxa fursad u helay maamuladii dawladde dhexe, golayaasha qaranka in ay si waafaqsan dastuurka oo nabadgelyo buuxda ku dhisan loo agaasimo arrimihii xaasaasiga ahaa sida geeridii lama filaanka ahayd ee madaxweynihii hore ee JSL, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal ee bishii March 03, 2001 iyo turxaan la’aantii isbedelka dastuurka waafaqsan ee magacaabidii ku meel-gaadhka ahayd ee madaxweyne xigeenkii Md. Daahir Rayaale Kaahin loogu doortay madaxweynaha cusub, lana magacaabay madaxweyne ku xigeen cusub oo ka tirsan golaha wakiilada si waafaqsan dastuurka qaranka, taas oo muujisay in dalalka sida: Suriya, Congo/Zaire, Jordan iyo Koonfurta Soomaaliya ee garabkii (Sal-Balaadh) ee Kornel Maxamed Faarax Caydiid oo u hirgeliyey si qayral dastuuri ah uga dhigay hogaankiil dalkooda dhaxaltooyo.
Bishii Abril 14, 2003, waxaa iyaduna hirgashay doorashadii hogaaminta dawladda dhexe oo ay ku loolamayeen saddxeda xisbi qaran ee ku guulaystay doorashadii degaanada oo ay gudoomiyayaashoodu iyo ku xigeenadoodu ishu sharaxeen jagooyinka Madaxweynaha, ku xigeenka ee shanta sanno ee soo socda. Taas oo ku dhamaatay in xisbiga talada haya ee UDUB hogaanka qabto. Wixii muran ahaa eek asoo baxayna waxaa u garsooray maxkamada sare ee dastuuriga ah oo go’aankii u danbeeyey shaaca ka qaaday qaabkii guusha loolanka jagada madaxweynimada iyo ku xigeenka ee lagu dhaqmay hadana lagu maamulo hogaamida iyo siyaasada qaranka JSL.

Dhamaystirka qaab dhismeedka hogaanka siyaasada iyo maamulka dawladda dhexe iyo degaanada waxa hubaal ah in doorashada xubnaha wakiilada golaha qaran ay tahay tiir adag oo aan la’aantii si dimoqraadi ah loo hogaamin karin siyaasada iyo maamulkeedaba, waxa talo bixin muwaadinimo ah aan ku bixin lahaa in saddexda xisbi qaran ay siyaasad iyo istaraajiyad midaysan ay ka yeeshaan oo sida ugu haboon ee loo qaban lahaa doorashooyinka dhiman, iyadoo daran qaran iyo mid guudba u leh qaranka, kana hormariyaan danaha gaarka ah ee xisbi ku salaysan oo aan ka hor-iman ta guud (wixii rag ku heshiiyo rabina ku garab galo waa la helaa”.

Ugu danbeyntii, waxaan axsaabta siyaasada gaar ahaan hogaamiyayaashooda talo wax ku ool ah ugu soo jeedinayaa in masuuliyadooda guud ee xaga hogaaminta siyaasada iyo qaabka maamulka dawladda dhexe iyo kuw degaanadaba sidii ay qayb libaax uga qaadan lahaayeen kuna leeyihiin waajibaad dastuuri ah. Laakiin waxaad moodaa in loolanka hogaanka xisbiyada loolanka siyaasadu ee qaranka JSL ay jagada madaxweynaha iyo maamulka dawladda dhexe oo kaliyea ay ku hawlan yihiin.

La soco. 

Top