Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 880 | Jun. 29,2005 | ||||||||||||||
Gabadh Reer Somaliland Ah Oo Kaalmaha Ugu Sareeya Ka Gashay Imtixaanaadka Jaamacadaha Imaaraadka
Magacaabista Maamulka Cusub Ee Kooxo Wasiiro Ah Oo Burco Ku Sugan Iyo Ololaha Ballaadhan Ee Biyaha Hoostooda Laysu Marinayo Warbixin Lagu Soo Bandhigay
Goobaha Sunta Lagu Aasay Maxamed Faarax Qabille:
Musharaxa Gudoomiyaha Jaaliyadda
Somaliland ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wax Ha Nalala Qabto Iyamaa Qiimo Badan Bara-Kac 200 Oo Ruux Iyo Jaamacadda Ina Sheekh Ninka Yidhi Rayaale Annagaa Meesha Dhiganay, Wuu Iska Hadlay Somaliland Maxaa Kala Bileyska Somaliland Looma Sheegin Inay Dambi Tahay In Qof La Iska Toogtaa Kiciddii Iyo Burburkii Aragtida Soomaali-Weyn
|
Sharjah, UAE, June 29, 2005 (Haatuf) – Xamdi Maxamed Cbdullaahi oo ah gabadh da' yar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa ka yaabisay indho badan oo ka mid dadkii saxayay imtixaanada Jaamacadaha ee sannadkan ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, kaas oo ay ku qaadatay Digriiga Bachelorka. Maaha markii u horaysay oo keliya balse waxay Xamdi Maxamed sidan oo kale uga yaabisay saddex sannadood ka hor imtixaankii lagu xidhayay sannad dugsiyeedyada Sare (secondary school) ee sanadkii 2001, iyada oo Xamdi Maxamed waqtigaas ka gashay dalka Imaaraadka Carabta oo dhan kaalinta labaad, oo uu arday keli ahi ka sareeyey 25,000 kun oo arday oo waqtigaas ka qallin jabiyay. Heerka intaa le’eg ee ay Xamdi Maxamed soo gaadhay in ay noqoto ardayga labaad ee imtaxaanada dugsiyada Imaaraadka Carabta oo dhan ayaa keentay in ay ku sii dhiirato dedaalka dheeraadka ah iyo hibada Illaahay u siiyay waxbarashadeeda. Xamdi Maxamed waxay iskuulka sare kadib gashay Jaamacadda Maraykanku leeyahay ee ku taal magaalada Sharjah ee dalkaas (American University of Sharjah) iyada oo uu deeq waxbarasho ugu deeqay Amiirka Sharjah HH Sheekh Dr. Sultan Bin Mohammed Al Qassimi, waxaanay Xamdi qaadatay Maadada ah (Bachelor of Science in Chemical Engineering), kaas oo ay 9-kii bishan June 2005 ka qallin jebisay, iyada oo ka gashay imtixaanaadka ama ka qaadatay waxa loo yaqaan afafka qalaad (highest Honors) oo ah kaalmaha la qaato kuwooda ugu sareeya. Xamdi ayaa dalbatay isla sannadkan Jaamacad ku taala Dalka Kanada oo la yidhaahdo (the university of Western O¬ntario Canada), si ay ugu buuxiso kaalinteeda Shahaadada labaad ee "Master-ta", Maadada ay hore ugu haysto Bachelorka, nasiib wanaag waxay ku heshay bilaash markii la arkay aqoonteeda wanaagsan ee ay leedahay, halkaasi oo ay ka bilaabi doonto waxbarashadeeda marka la furo sannad dugsiyeedyada haddii Eebe idmo.
Arrintanina waxay Muujinaysaa kaalinta ay Haweenku kaga jiraan Maskaxda
Somaliland iyagoo laf dhabar u ah bulshada Somaliland, taasna waxaa
daliil u ah kaalinta Xamdi ka gashay waxbarashada Aduunka.
Burco, June 29, 2005 (Haatuf) – Maayarka magaalada Burco, Cabdi Axmed Iidle (Cabdi Burco), ayaa bishan June u magacaabay Wakaaladda Biyaha Burco Maareeye iyo Maareeye ku-xigeen, waxaanu arrintaas ku micneeyay Maayarku cabashooyin ka soo noqnoqday iyo dayac iyo kala daadsanaan maamul. Weriyaha Haatuf ee Burco, Axmed Aadan Yuusuf, ayaa arrimahaas magacaabista Duqa Burco Cabdi Burco ku magacaabay Maareeyaha iyo Ku-xigeenka Wakaaladda Biyaha Burco, warbixin nooga soo diray, waana tan: “Wakaalada Biyaha Burco oo Sannadkii u danbeyayba hawlaheeda shaqo murugsanaayeen ayaa markii ugu horeysay bishan June uu gacan togan geliyay duqa magaalada Burco Cabdi Axmed Iidle (Cabdi Burco), kadib markii uu cabatinkeedu batay sida uu sheegay maayarku dayac iyo kala daadsanaan maamul oo ka jiray wakaaladda ayaa markii u horeysay 8/6/2005 uu maayarku u magacaabay Axmed X. Ismaaciil Faarax inuu noqdo maareeyaha wakaaladda biyaha Burco, iyada oo uu xilkii kala wareegay maareeyihii hore ee wakaaladda Maxamud Yaasiin Maxamed. Waxa kale oo maayarku isna xilkii ka qaaday 22/6/2005 ee bishan June ee aynu ku jiro maareeye ku xigeenkii hore ee wakaaladda biyaha Burco, Rashiid Faarax Cabdi, waxana uu maayarku 23/6/2005 maareeye ku xigeenka wakaaladda biyaha ee cusub u magacaabay xisaabiyihii guud ee wakaaladda biyaha Muuse Cabdi Ismaaciil, waxana uu sidaa maayarku ku sheegay warqad qoraala oo uu soo saaray, kuna taariikhaysnayd 23/6/2005, waxa uu maayarku ku yidhi: :Kadib markii aanu eegnay baahida ka jiirta wakaaladda biyaha Burco, xilligan una baahan maamul cusub oo hanan kara xilka, Dardargelin karana hawlaha wakaaladda, kadib markii aanu la kulanay aqoon-yahano iyo khuburo khibrad dheer u leh shaqada wakaaladda biyaha, ayaan sidaa darteed maanta laga bilaabo oo taariikhdu tahay 23/6/2005, waxa aanu u magacawnay maareeye ku xiigeenka wakaaladda biyaha ee Burco ee cusub inuu noqdo Muuse Cabdi Ismaaciil,” ayuu duqu qoraalkiisa ku soo xidhay.
Mar aan Duqa wax ka weydiiyay in ay meesha ka baxayso cabatinkii hore ee
wakaaladdu iyo sida uu wax uga qaban doono, waxa uu kaga jawaabay oo uu
yidhi: “Waxaanu doonaynaa cabatinkii hore iyo waxaas oo dhami in ay
meesha ka baxaan oo aanu bilawno hawlo dardar gelina si ay meesha uga
baxaan waxyaabihi hore ee laga cabanayay, aanuna u horumarino adeega
wakaaladda, ayaa markii aanu eegnay aniga iyo guddida arrimaha bulshada
ee golaha degaanku, ay daruuri noqotay in aanu wakaaladda u magacawno
maamul cusub, si ay u horumariyaan hawlaha wakaaladda,” wuxuuna maayarku
intaas ku daray in labadan nin ee cusub maareeyaha iyo maareeye ku
xigeenku ay yihiin sida uu yidhi maayarku “laba qof oo wax ka qaban kara
hawlaha wakaaladda,” waxana uu hadalkiisaa ku soo xidhay inay dawladda
hoose ahaan u soo jeesteen wax ka qabashada wakaaladda biyaha iyo
waaxyaha kale ee adeega bulshada ee magaalada Burco. Dhinaca kale maamulka dawladda hoose oo ay
ka muuqato jileec xaga hawlaha adeega bulshadu ayaa la eegayaa bal imika
hawlahan uu ku tallaabsaday oo in badan oo hore cabatinkoodu soo
jiitamayay uuna in badan ka dhega-adaygay in uu sii wado iyo halka ay
sal dhigaan hawlaha dardar gelinta ee uu sheego in uu wax kagaga qaban
doono waaxyaha adeega arimaha bulshada.
“Waxaanu Joojinaynaa Xidhiidhka Boorama , June 29, 2005 (Haatuf) – Magacaabista Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gobolka Awdal iyo ansixinta komishanka qaranka ee xubintaasi ayaa mar kale xiisad dhinaca siyaasadda ah ka kicisay gobolka Awdal kadib markii kulan ay shalay Boorama ku yeesheen wefdi ka socday komishanka qaranka, maamulka Gobolka Awdal, iyo wakiilada saddexda Xisbi ee gobolka Awdal. Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar, kulankan oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Awdal ayaa waxa mar kale Guddoomiyaha gobolku ka cadhooday sababta Komishanku Boorama ugula soo noqnoqnayo magaabista guddoomiyaha komishanka gobolka Awdal oo muran ka taagnaa. Hadalada shalay la isku weydaarsaday ayaa ahaa kuwa aad u kululaa inkastoo ajendayaal qarsoon uu komishanka qaranku kula gorgortamay magacaabista xubintaasi gobolka oo isla shalay ay soo celiyeen, isla markaana ay markii dambe kulan gaar ah ku ansixiyeen xubinnimadiisa. Kulan qarsoodi ahaa oo shalay gelinkii dambe dhexmaray komishanka qaranka iyo axsaabta qaranka wakiiladooda ayaa aakhirataankii horseeday in jawigu isu beddelay gorgortan la xidhiidha sidii axsaabta mucaaradka ah loogu sasabi lahaa inay ka tanaasulaan sidii meesha looga saaro xubintii awalba la isku diidanaa magacaabistiisa oo ay axsaabta mucaaradka ahi horeba uga hadleen. Sida muuqatana waxa axsaabtan mucaaradka lagu raalligeliyey in xubinta komishanka ee degmada Baki hore loogu magacaabay lagu beddeli doono xubin ay raalli ka yihiin, isla markaana axsaabta mucaaradku joojiyaan ololaha lagu diidanyahay, taas oo isla xalay warar suuqa soo galay sheegeen in la isku raacay guddoomiyennimada komishanka ee gobolka Awdal inuu noqdo nin la yidhaa Yaasiin qalinle. Jawiga wadahadaladii shalay iyo natiijooyinkii ka soo baxay ayaa shalay waxa la kulmay wefdi ka socday madaxda Sare ee xisbiga Kulmiye oo uu horkacayey C/raxmaan Aw Cali Faarax, masuulkaasi oo uu weriyaha Haatuf kula kulmay Huteelka Rays ayaa ka gaabsaday ujeedada socdaalkooda Boorama, hase yeeshee shalay gelinkii dambe oo uu weriyuhu wax ka weydiiyay Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UCID arrinta heshiiskaas, ayaa isagu xaqiijiyey inuu jiro heshiis ay wada gaadheen komishanka qaranka ee uu horkacayey Cabdilaahi Jawaan, Balse Wakiilka xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal Axmed Muxumed Geelle (Dacar) iyo xubno ka tirsan wefdigii C/raxmaan Aw Cali ayaa iyagu gaashaanka ku dhuftay heshiiskaasi kuna tilmaamay inuu ahaa khiyaamo, raallina aanay ka ahayn xubinta komishanku ansixiyey. Xildhibaan Cabdi Siciid Faahiye oo ka mid ahaa wefdiga oo Haatuf u waramayay ayaa yidhi: “Anigoo ku hadlaya magaca madaxda sare ee xisbiga Kulmiye, magaca xisbiga ee gobolka Awdal iyo kaygaba waxa fajiciso nagu ah sida loo majara habaabinayo loona khaalkhalinayo nidaamka doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan.Waxa naloo caddeeyey in wefdiga komishanka ee Cabdilaahi Jawaan horkacayey ay magacaabeen ansixiyeenna xubinta gobolkan u qaabilsanaan doonta doorashooyinka soo socda, xubintaas oo aanu awalba diidnay maadaama uu ka tirsanyahay madaxda xisbiga UDUB, sidaa darteedna aanu dhexdhexaad noqon karin. Waxan wefdiga komishanka isku ogeyn inuu beddelo ninkaasi, waxaananu u sheegnay in haddii xal kale la waayo uu komishanku magacaabo cid dhexdhexaad noqon karta Xubintan. Annagu haddaba waxa nala gudboon inaan joojinno wax wadashaqayn ah inaan la yeelanno komishanka qaranka, maadaama durba uu gobolkan oo awalba xasaasi ahaa, dhibaatooyin badanina ka taaganyihiin inuu isagu ka taliyo aayihiisa, sidaa darteed waxaan u aragnaa in gobolka Awdal loogu talo galay inaysan doorasho ka dhicin haddii ay ku adkaystaan komishanka gobolka ee ay magacaabeen”.
Sidoo kale waxa isna wareysi uu siiyey Wargeyska Haatuf, wakiilka
gobolka Awdal u qaabilsan Xisbiga Kulmiye Axmed Muxumed kaga hadlay
arrintaas, waxaanu yidhi: “Anigoo wakiil uga ah xisbiga gobolkan Awdal
waxa komishanka qaranku nagu sameeyey khiyaamo uu ku magacaabay nin aanu
awalba hore u diidnay, dhexdhexaadna noqon karin maadaama uu ka tirsan
yahay xisbiga UDUB, sidaa darteedna wada-hadalkayagii shalay ma ahayn
daaya ee wuxuu ahaa beddela xubinta komishanka ee gobolka Awdal .Waxay
nagu sameeyeen khiyaamo ay annaga iskaga kaaya horkeenayaan (mucaaradka)
oo ay axsaabta wakiiladoodii u rogaan kuwa beelaysan ee aan axsaab ahayn.
Sidaa darteed waxaanu weli ku adkaysanaynaa in la beddelo xubintaas lana
keeno cid dhexdhexaad ah haddii kale wax doorashooyin ahi ka dhici
maayaan gobolkan, maadaama aanaan ictiraafsanayn xubinta komishanka
gobolka, oo awalba uu u ololaynayey wakiilka xisbigaasi ee gobolku,
isagoo horeba u diiday xubintii ay isku raaceen dhammaan axsaabta
mucaaradka ahi.”
Burco, June 29, 2005 (Haatuf) – Kooxo wasiiro ah oo tiradoodu gaadhayso illaa lix wasiir ayaa laba saddexdii caana-maal ee u dambeeyay ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee
Burco, Axmed Aadan Yuusuf, wasiiradan oo magaalada qaarba dhinac ka soo
galeen, waxaa habeenkii Axadii toddobaadkan ku soo hoyday magaalada
Burco labada wasiiru-dawle ee Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka oo muddo
laba todobaada socdaalo ku marayay gobolada Sool iyo Sanaag, iyo weliba
qaybo ka mida gobolka Togdheer, oo ay hadda magaalo madaxdisa ku sugan
yihiin. Waxa iyaguna maalintaas Axadii 26/6/2005 dhinaca Hargeysa ka
tegay illaa 4 afar wasiir oo ka kala ahaa, wasiirka Hawlaha Guud, Siciid
Sulub, wasiirka Caafimaadka, Cismaan Qaasim Qodax, wasiirka Waxbarashada,
Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne) iyo wasiirka dib-u-dejinta, C/laahi
Xuseen Iimaan (Darawal). Dhinaca kale waxa iyaguna magaalada ku sugan siyaasiyiin ka socda xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo uu ka mid yahay Afhayeenka Xisbigaas Maxamed Kaahin Axmed, kuwaas oo iyaga qudhoodu loo malaynayo in ay u yimaadeen hawlaha kaambaynka hoos-hoosta uga socda magaalada Burco. Siday doontaba wax haw jireene waxa aad
mooda in la gaadhay waqtigii dadka la kala jiidjiidanayay waxana magaalo
madaxda gobolka Togdheer ee Burco ka socda olole balaadhan oo biyaha
hoostooda laysu marayo.
Rome, June 29, 2005 (Haatuf) – Wargeys caan ah oo ka soo baxa dalka Talyaaniga lana yidhaa L’Espresso ayaa cadadkiisii soo baxay horaantii bishan qoray warbixin dheer oo dhowr qaybood ah oo uu ku soo bandhigay dhukumentiyo sir ah oo ka hadlaya sunta halista ah ee lagu aasay qaybo ka mid ah dalkii la isku odhan jiray Somaliya. Sida uu wargeysku sheegay ku aasida hubka halista ah ee Somaliya waxa ay bilaabantay cahdigii Taliskii Siyaad Barre uu ka talinayey dalkii Somaliya, gaar ahaana intii ka dambaysay 1983-kii, dalka Talyaanigana uu ra’iisal wasaare ka ahaa BETTINO Craxi, mashruucan oo loo bixiyey Ecomafia waxa kale oo ku jiray rag badan oo madax sare ka ahaa Talyaaniga sida milatariga, baayac-mushtarka, Maafiyada talyaaniga ka tirsan, hay’adaha sir doonka iwm. Balse sida ay warbixintu sheegtay waxa kale oo arintan si xoogaysatay markii la riday taliskii Siyaad Barre 1991-kii, markaas oo heshiisyo lala galay hogaamiye kooxeedyada Somaliya maadaama ay hub u baahan yihiin iyo kharash. Sidaa darteed ayay u qaateen lacag iyo hub ay ku dagaalamaan. Ragga warbixinta ka muuqda ee warbixintu magacawday waxa ka mid ah Cali Mahdi Maxamed, C/laahi Yuusuf, Muuse Suudi Yalaxaw, Ing. Muunye oo madax ka ah shirkadda gacanta ku haysa Maraakiibtii Somaliya SHIFCO oo xaruntiisu tahay Magaalada Sanca ee Yemen oo ay warbixintu si gaar ah u xustay inuu ku lug leeyahay sunta lagu aasay dalkii Somaliya la isku odhan jiray. Goobaha ay warbixintu sheegtay in sunta lagu aasayna waxa ka mid ah meelo ka mid ah Somaliland oo ay ka mid yihiin goobo ku dhow dhow Hargeysa iyo Berbera wadada isku xidha, Saylac, gobolka Sool iyo Meelo kale. Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay goobo
farabadan oo ka mid ah dalka Somaliya lagu aasay sunta khatarta ah, taas
oo waxyeelo weyn u leh dadka bani’aadamka, haatan iyo mustaqbalkaba.
Waxaana warbixintu soo xiganaysaa qoraalao Documenti sir ah oo ku
saabsan arimahaasi oo ay ka mid yihiin qoraalo lagu qoray arintan,
cajalado laga duubay, warbixino hoose oo sir ah oo laga helay hay’adda
sirta ee Talyaaniga, wareysiyo lala yeeshay dad kala duwan iwm.
Hargeysa, June 29, 2005 (Haatuf) – 14-xubnood oo sheegay inay yihiin gudidii loo xilsaaray kala naqaynta xubnaha beesha Deerayahan uga qayb-gelaysa doorashada baarlamaanka soo socota ayaa xalay xarunta Haatuf soo gaadhsiiyey qoraal ku soo bandhigayaan musharaxa Maxamed Faarax Qabille in uu noqdo musharaxa Beeshaasi isku raacday, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan: “Shirar iyo kulamo beeshu yeelatay kagana duulayso xaaladda doorashada fooda inagu soo haysa ee golaha wakiilada, ka dib markay Beeshu isla qaadatay inay ka qayb-qaadato kaalinta kaga aaddan una soo baxeen laba musharaxa beesha dhexdeeda. Beeshu waxay go’aansatay in guddi 14-xubnood
ah (guddiga kala saarista) loo saaro. Halkaas oo uu ku guulaystay Musharax Maxamed Faarax Qabile xisbiga UDUB, guddigu go’aankaas kala saarista wuxu u gudbiyey: labada Musharax ee kala saarista, cuqaasha iyo suldaanka beesha, siyaasiyiinta beesha guud ee golaha wasiirada, xog. Guud ee xisbiga musharax UDUb, god. Xigeenka xisbiga ahna M/weyne xigeenka, gud. Xisbiga ahna M/weynaha JSL.
Sidoo kale guddigu wuxuu ku wargelinayaa in musharax Maxamed Faarax
Qabile ka sharaxan yahay xisbiga UDUB gobolka Saaxil.
Hargeysa, June 29, 2005 (Haatuf) – Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden (Somaliland Nordic relief) Mr. Baxnaan X. Aadan Diiriye oo Hargeysa ku sugan ayaa nooga xog-waramay mashaariic samo-fal oo ay ka hirgeliyeen Somaliland warbixin uu marka hore kaga sheekaynayo urur ahaan waxay qabtaan wuxu ku bilaabay: “Ururkan waa urur ka dhisan dawlada Sweden oo dalka caawiye oo magaciisa loo soo gaabiyo SNR, waxaana ururkani la sameeyey 1997-kii, wakhtigaas ilaa imikana caawiya meelo badan oo dalka ka mid ah oo ay ku jirto Jaamacada Burco, Jaamacada Hargeysa oo aanu ku caawinay 420, kursi iyo miisaantoodii, dhakhtarka Burco-na caawiyey, sidoo kale dhakhtarka Berbera iyo ka Hargeysa caawiyey. Caawimadani waxay ahayd markii hore mid aanu daka reer Somaliland ee degan dalka Sweden iyo hareeraheeda ka soo ururin jirney, taasi oo aanu kolba waxa loo baahan yahay ku fulin jirnay. Laakiin markii dambe waxa aanu u bedelnay mashaariic aanu ka dalbano dalka Sweden, mashruucii ugu horeeyey waxa aanu ku bilownay Sooyaal Burco, kaasi oo laba sano oo ina dhaafay soconaayey oo ina dhaafay, imikana imaatinkayagan laba mashruuc ayaanu ka wadnaa cusbitaalka waalida ee Berbera iyo Sooyaal Ceerigaabo oo aanu doonayno in aanu u samayno dumarkii agoomihii laga dhintay waxbarasho guud.
Labadaa mashruuc ayaanu hada u nimi, anaga oo saddex nin oo la kala
yidhaahdo Mukhtaar Xasan, Khadar Barkhad iyo Aniga. Waxa aanu hada ka
soo laabanay Ceerigaabo oo aanu soo eegnay meelaah aanu hawsha ka wadno”.
Waxa dacwadihii markay
gobolka nooga socon weyday waxaan u soo gudubnay Hargeysa, waxaanan
dacwadaa ku guda jirnaa muddo 3 bilood ah, waxaanan maray wasaaradda
dawladda ee ay khusayso sida wasaaradda gaashaandhiga iyo ta dib u
dejinta iyo xubno kale oo ka mid dawlada, waxqabadkoodiina waxa uu
noqday calaacal. Waxa kale oon maray Xildhibaanada iyo odayaasha beesha
Ciise. Markaan ku dacwoonay waxa dhex-timi arin qabyaalad ah oo 6
lixdayada laba ka mid ahi ay yihin Samaroon. Sidaa darteed-na ma rabaan
in wax laga qabto. Sidaa darteed-na ay isku taagto dacwadayadii, waxaana
nagaga sii daran dhibaatada nolol maalmeed ee nagu haysata Hargeysa iyo
tan haysata qoysaskayagii aan ka imanay. Waxaan u mutaysanay dhibaatadaa
qadarinta qaranimada dalka, waana markii labaad een idinka codsano wax
ka qabadka dhibaatadayadan. Waxaana xukuumada ka codsanaynaa in aad wax
nooga qabataan dhibaatadayada idinka oo eegaya wadaninimada iyo xuquuqda
aadanimo.
Waxaa jirta qulqulad beryahan socotay oo lagu doonayo in lagu baro kiciyo 200 oo qoys oo aan waxay galabsadeen jirin, galabsi daayoo baradoodii la doonayaa in laga kiciyo sabab buuran iyada oo ayna jirin, dadkaas oo la yidhi uun yaan la idiinku iman ama waanu idinka raraynaa meesha aad degantihiin.
Haddaba lamaan yaabin ninkan wata waxa uu ku sheegay jaamacadda oo isaga
waxaa u muuqda dhul ku yaala meel barxadda ayaan jirin, dhulkaas oo uu
meel kale oo uu ka heli karaana ayna jirin oo isaga hunguri ayaa wada,
ee waxaan la yaabanahay dadkan uu ku adeegsanaayo ee uu ka mid ka yahay
maayarka caasimadda iyo koox xildhibaano ah. 1- Inta meesha dadka danyarta ahi degan
yihiin iyo waliba dad ay dawladda hoose u samaysay (casayn iyo cadaynba)
oo meelaha u seesani sharciyeysan yihiin laga qaadayo, ma waxa ay u
wayday dawladda hoose meel kale oo aan la deganayn? Mise waa hadba
ruuxii jeeb roon?
Hadalka ka soo yeedhay ninka la yidhaaho Ismaaciil Bullaale ee ku dooday inay Madaxweyne Rayaale, waa madaxweynaha Somaliland’e ay iyagu meesha dhigteen, kuna ilaaliyaan waa qadaf aad u fool xun, ayse dhici karto in dad badani sidaa qabaan sidaan ka dareemay hadalada dad Bullaale isku reera . Madaxweyne Rayaale waa madaxweyne ku soo baxay doorasho xalaala oo ay dadka reer Somaliland si xora codkooda uga dhiibteen. Ma jirto degmo keli ah oo dalka ku taala oo aanu Rayaale cod ka helin. Si cad ayaad u ogtahay in degmadaada Odweyne aanay ahayn ta keli ah ee codkeeda siisay Rayaale. Waxa Madaxweyne Rayaale meesha geeyay waa codkii shacabka reer Somaliland haddiiba ay jirto cid ilaalisaana waa ciidamada qaranku leeyahay. Haddii aad u aragtay Rayaale nin aan qabiil lahayn waxaan ku xusuusinayaa inuu ka soo jeedo mid ka mid ah beelaha ugu ballaadhan ee Somaliland, oo haddii uu u baahdo beel ilaalisa uu ka heli karo ciidan inta uu ka doono. Waxaan xasuusinyaa Mr, Bullaale oo u eg nin qabiil madax maray inay dalka soo martay dawlad tan Madaxweyne Rayaale aad ka jeceshay kana xigsato dadka kale. Haddii aanay arrintu kabo qaadnimo asiilaya kaa ahayn waxaad ilaalin lahayd dawladaasi. Waad la socotaa in dawladdaas markii shacbigu ka hor yimaadeen aad waxba u qaban kari wayday. Waxa iyana dalka soo martay dawladdii aad adduunka ugu necbayd, iyana iyadoo aadan waxba u dhimin ay xilkeedii gudatay.
Waxaan iyada shaki ku jrin in Rayaale uu yahay nin demanaan u dhashay
qof ahaan. Xilligii ay kooxdaadu dawladdii Salaballaadh isku xeereen
anigu Xamar baan ku sugnaa, waxaanan kuu caddaynayaa inay General
Caydiid iyo raggiisii ku qaadatay lix bilood oo keli ah inay ku gartaan
in kooxdaadu wixii ay iyagu iska sheegayeen iyo waxyaalihii ay ka sheegi
jireen qabaa’ilka kale ee Isaaqu ay labaduba been yihiin. Waxa u baahan
in la is weydiiyo sababta ay Rayaale ugu qaadatay laba sanadood inuu ku
garto. Malaha waa damanaantaas dabadda dheeraatay ta aad isu tustay inuu
u baahan yahay ilaalintaada
Waxaan jeclaysatay maanta in aan fikirkayga ka dhiibto Arrinta Gobolka Sool oo Muddo dheer soo jiitamaysay, Run ahaantii way wanaagsanayd in Arrinta Gobolka Sool lagu xaliyo hab nabadgelyo, laakiin waxaa muuqata in taasi maanta ayna suurto gal ahayn.Haddaba waxaa haboon si loo gaadho Hadafka ay Somaliland Higsanayso oo ah in ay Beesha caalamka ka mid noqoto oo ay hesho Aqoonsi Caalami ah in ay dhulkeeda oo dhan wada gaadho Xuduudaha.Si taas loo gaadho Somaliland waxa kaga baxday Dhaqaale aad iyo aad u fara badan si si Amni ah uu Gobolkaasi Gacanta Somaliland uu dib ugu soo noqon lahaa. Taasi imika waxay u muuqataa Fashil. Masuuliyiinta Somaliland Waxaa looga fadhiyaa in ay qaadaan Talaabo degdeg ah inta ka horeysa Doorashada Baarlamaanka Sidii Gobolka Sool iyo Degmooyinka Sanaag-Bari ay ugala qayb qaadan lahaayeen wadanka intiisa kale Doorashada Golaha Baarlamaaka. Guntii
iyo gebogabadii Anigu waxaan u arkaa Xalka Kaliya ee maanta Gobolka Sool
lagu soo dabaali karaayo in dhirbaaxo weyn oo mar keliya ah lagu dhufto
kuwa diidan Qaranimada Somaliland iyo Danta Ummadda degta gobolka Sool,
si loo yareeyo khasaaraha iyo dagaal sii jiitama Muddo dheer, taasina
waxaa danta ugu weyni ay ugu jirtaa ummadda reer Sool.
Beryahan danbe waxaa soo badatay Bileyska Somaliland oo toogta ama xabad
ku fura dad aan hub sidan oo faramadhan isla markaana aan khatar ku
ahayn nabadgelyada iyo bileyska tooganaya midna (The safety of the
Police). Taasi waxay ku tusaysaa inaan Bileyska tababarada la siiyo
loogu darin marka ay wax toogan karaan iyo cidda ay toogan karaan, looma
sheegin ahmiyadna lama siinin sida ay denbi weyn u tahay qof lagu dilo
rasaas lagu cabsiinayo ama mid loola badheedhaaba. Taliska Bileyska Boorama waxay ku doodeen in
ardayda qaar ka mid ahi ay isku dayeen inay waraaqo qish ah daaqadaha
uga tuuraan saaxiibadooda wali ku jira imtixaanka laakiin xataa haddii
ay jirto dooda Bileysku miyay tahay wax sabab looga dhigi karo in la
toogto arday aan hub sidan dhagaxna tuurin. It is not a good and valid
justification to shoot and kill a young student who has all his future a
head of him. Waa loo hanjabi karayay, ul baa lagu kaxayn karayay, xataa
mataalo sabab xabad kor loogu ridaa. Dilalkani dhamaantood waxay muujinayaan tayo xumada Bileyska Somaliland iyo sida ay uga ooman yihiin waxbarsho iyo tabobaro kala duwan. Waxaa ka maqan maskaxdooda ahmiyada iyo xurmada uu leeyahay qofka muwaadinka ah iyo inay tahay xaaraan in dhiiga muwaadinka lagu daadiyo ciyaar ciyaar. Maxay samayn lahaayeen bileyska Somaliland oo la kulma dadweyne si rabshadle u mudaharaadaya (Violent demonstrators) ama Bileyska ku tuuraya dhagxaan iyo quraarado oo meheradaha jajabinaya, waxan filayaa inay dad badan ku dili lahaayeen meeshaa.
Ilaahay ha u naxariisto dhamaan dadkaa ku dhintay sida dulmiga iyo
kibirka ah ee ay laayeen Bileyska Somaliland, dadkii ay ka tageena samir
iyo iimaan Illaahay ha ka siiyo. Waxaan filayaa in la joogo xiligii
Bileyska Somaliland tayadooda dib loo eegi lahaa ee loo furi lahaa
tababaro kala duwan oo uu ugu horeeyo tababarka Ixtiraamka Muwaadinka.
[The Rise And Fall Of Greater Somalia Theory] Fikradda Somaliweyn waxay xooggeedu soo ifbaxday badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1939-1945) xilligaas oo ay bilaabmeen halgamadii siyaasiga ahaa ee gobonimadoonka Somaliyeed oo socday intii u dhaxaysay 1943-1960. Halgamadaas oo ay hormood ka kala ahaayeen Xisbigii SYL oo la aasaasay 1943 una halgamayey xornimada Gobolladii Koonfurta oo maanta ah Somalia iyo Xisbigii SNL oo la aasaasay 1947 una halgamayey xornimada Gobolladii Waqooyi oo maanta ah Somaliland. Halgamadaasu waxay dhammaantood ka midaysnaayeen aaminsanaanta Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la xoreeyo, mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed ee Gumeysiga Reer Yurub u kala qaybiyey geyigii Somaliyeed, taas oo ahayd sidatan: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa saami ahaan u helay Ingiriiska (1884-85), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya Gobolka Waqooyi Bari ee Somaliyeed (1963), Koonfurta waxaa qaatay Talyaaniga (1889), Jabuuti waxay gacanta u gashay Faransiiska (1862-1885), Somali-Galbeedna waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya (1889), dibna Dhulka Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954). Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaatay 26kii June, 1960, ummadda Somalilandna waxay ahayd dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii ay 1dii July 1960 la midoobeen Koonfurta (Somalia ) lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia. Midowganu waxa uu yididiilo weyn ku abuuray dhammaan dadyowgii 5ta Somaliyeed waxaana rajo weyn laga qabay in dawladda cusub ee Israaca ay horseed u noqondoonto xoraynta iyo keenidda 3dii gobol ee kale si figradda Somaliweyn u dhabowdo loona abuuro jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed kana dhalata Geeska Afrika. Nasiibdarro, Aragtida Somaliweyn waxay figrad ahaan iyo ficil ahaanba u jirtay intii u dhaxaysay 1943-1960. Burburka midnimadii dhalatay iyo yididiiladii laga qabay Somaliweyn waxay la kowsatay Israacii 1960 kadib markii ay Somalia diiday inay ixtiraamto wadaagga dawladdii ka dhalatay midnimadii cusbayd si toos ahna u boobtay dawladnimadii ka dhaxaysay labada dal. Is-raacii 1960 waxa uu dhexmaray laba dawladood oo cusub oo siman kana kala dhashay Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland iyo Mustacmaraddii Talyaaniga ee Somalia kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen Ra`iisal Wasaare Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Waqooyiga ) iyo Ra`iisal Wasaare Cabdullahi Ciise Moxamuud (Koonfurta). Waxa la filayey in marba qolada Madaxweynaha qaadata mooyee ay qolada kale qaadato ra`iisal wasaaraha, jagooyinka kale ee muhiimka ah ee dawladdana si caadil ah loo wada qaybsado. Ayaandarro, Waqooyiga waxa loola dhaqmay sida gobol ka tirsanaa Koonfur oo kale sida Mudug ama Banaadir, dadkiisiina waxa si cad looga duudsiyey qaybtii ay ku lahaayeen jamhuuriyaddii wadaagga ee cusbayd. Sidaasna Koonfurtu waxay markiiba ku fashilantay inay fahamto qiimaha midnimada. Markii Koonfurtu qaadatay madaxweynihii ugu horreeyey oo ahaa Aden Cabdulle Cosman (1960-1967 ), waxay ku darsatay ra`iisal wasaarihii oo noqday Cabdirasheed Cali Sharma`arke (1960-1964 ) iyo jagooyinkii ugu muhiimsanaa golaha wasiirada iyo ciidamada sida Cabdirizaaq Xaaji Xuseen: Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdullahi Ciise Moxamuud: Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Cosmaan Axmed Rooble: Wasiirkii Maaliyadda, General Daa`uud Xirsi: Taliyihii Xoogga Dalka Somaliyeed, General Moxamed Abshir Haamaan: Taliyihii Ciidanka Boliiska Qaranka iwm, barlamaankiina si xaqdarro ah ayey u bursatay Koonfurtu. Marlabaad ayaa koonfurtu qaadatay ra`iisal wasaarihii oo noqday Cabdirizaaq xaaji Xuseen(1964-1967 ) oo isla madaxweyne Aadan Cabdulle Cosman magacaabay xilligiisii labaad. Wacadfurka, inkiraadda, iyo cadaaladarrada ay xukuumadihii rayidka ahaa ee Koonfurtu kula kaceen dadka Waqooyi intii u dhaxaysay 1960-1969 waxay muujisay sida dadka Koonfurtu jaahil uga ahaayeen qiimaha midnimada iyo fahmidda dawlad-wadaag ah. Madaxweynihii labaad waxaa noqday Cabdirashiid Cali Sharma`arke (1967-1969 ) oo isna Koonfur ahaa. Duudsigaas foosha xun waxa uu keenay in dadka Waqooyigu isku-ciilkaambiyaan sidii fududayd ee ay dawladnimadoodii cusbayd ugu loogeen Koonfurta, waxayna kaga cadhaysiisay siyaasiyiinta, indheer-garatada, madax-dhaqameedka, ganacsatada iyo saraakiisha ciidamada. Cadhadaasu waxay keentay in qaar ka mid ah saraakiisha militariga ee Reer Waqooyiga ahaa uuna hoggaaminayey Xasan Kayd ay inqilaab dhicisoobay ka ridaan magaalada Hargeysa bishii Diisambar 10dii, 1961 si ummadda Waqooyi loogu soo cesho dawladnimadii laga duudsiyey iyo madaxbanaanidiiba. Halkii la dersilahaa sababta keentay gadoodka ciidanka lana bilaabi lahaa dib-u-heshiisiin qaran, ayaa waxa uu madaxweyne Aadan Cabdulle Cosman (1960-1967) ku dhaqaaqay tallaabooyin lagu sii cadaadinayo Reer Waqooyiga si loogu ciqaabo inqilaabka fashilmay loolana dhaqmo sida mustacmarad ay haysato Koonfurtu.Waxa uu isku-bedalay ciidamda, macallimiinta, iyo shaqalaaha dawladda, isagoo kuwii Koonfurta keenay Waqooyi, kuwii Waqooyigana geeyay Koonfur si loo wiiqo awoodda Reer Waqooyiga. Siyaad Barre oo isna Koonfur ahaa kana
faa'iideysanaya dilkii madaxweyne Cabdirasheed, oo lagu dilay magaalada
Laas-caanood 15 kii Oktoobar 1969, ayaa afgembi milatari ku qabsaday
dalkii 21 kii, 1969. Duudsigaas iyo boobkaas dawladnimada ee xidhiidhka
ahaa kuna dhacay Reer Waqooyiga iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay
xilligii dagaallada sokeeye waxa uu noqday warankii ugu horreeyay ee
lagu burburiyay midnimada labada gobol iyo Aragtida Somaliweyn. Dadka Somaliland markii ay arkeen sida loo duudsiyey qaybtii ay ku lahaayeen dawladnimada, boqolaal kun oo qaxooti ahna siyaasad ahaan loo soo dejiyey dhulkoodii la tashi la'aan, muddo dheerna dheg loo dhigiwaayey tabashadooda, loona diiday inay si nabadgelyo ah ku muujiyaan dhibaatooyinkii haystay, ayaa waxay go`aansadeen inay halgan hubaysan kala hortagaan halistii weynayd ee soo foodsaartay, taas oo ahayd iyada oo qarka loo saarnaa dhaxal-wareeg dal iyo qaran - guur ummad. Go' aankaas waxaa lagu abuuray Ururkii SNM ee xaq u dirirka ahaa sanadkii 1981, waxaana markiiba dagaal hubaysan oo aan kala go' lahayn lagu qaaday huwantii sida cadawtinimada leh isugu bahaysatay dadka iyo dalka, kuwaas oo kala ahaa: Ciidamadii Koonfurta (Somalia), Jabhaddii Somali- Galbeed iyo Jabhaddii Abooga. Dagaalkaas oo ahaa kii ugu dheeraa uguna
dhibaatada badnaa ee soo mara Gobolladii Waqooyi, waxa uu xoogiisu
socdey intii u dhaxaysey 1982-1990. Bishii May 1988, ayaa Ururka SNM
duullaankii ugu weynaa ku qaaday huwantii Taliskii Siyaad, uguna galay
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Duullaankaas oo aad u wiiqay una
burburiyey awooddii is-bahaysatadii Moqadisho, waxa Siyaad Barre ugu
jawaabay inuu diyaaradaha dagaalka, taangiyada iyo madaafiicda goobta ku
gummaado dadweynihii Isaaqa, ku burburiyo magaalooyinka waaweyn, kuna
barakiciyo hambadii dadka oo u qaxday Itoobiya. Hujuumkaas SNM oo Siyaad
Barre ku waayey awooddii ciidamadiisa iyo jabhadihii ka garab
dagaallamayey, waxa uu markiiba ku dhaqaaqay hubaynta iyo dagaal-gelinta
xeryihii qaxootiga Absamaha iyo qaybo ka mid ah beelihii Waqooyi wax ka
deganaa. Dembiyadaas culus ee laga galay dadka u badan Somaliland, waxaa amridooda ka ma'suul ahaa: Siyaad Barre, Cali Samatar, Adan Gabyow, Moxamed Gaani Xaashi iyo Moxamed Saciid Morgan. Halgankii hubaysnaa ee Ururka SNM, oo shacabkiisu hiil iyo hooba heegan ula ahaa, waxa uu dadka dhaxal-wareeg dal iyo qaran-guur ummad, isla markiibana qaxootiyadii Somali Galbeed ka eryay dalka oo dhan. Kadib markii Ururkii SNM naafeeyey awooddii milateri ee Ta1iskii Siyaad Barre, ciidan iyo qalabba, intii u dhaxaysey 1982-89, ayaa waxa u suurtogashay Hawiyaha inay asaasaan Ururkii hubaysnaa ee USC sannadkii 1989, dabadeedna si fudud cagta u mariyaan Taliskii Siyaad ee sii dhacayey, kana eryaan Siyaad Barre Xamar January 26, 1991. Maalmo yar kadib, Cali Mahdi, oo aan ka muuqan halgamadii hubaysnaa, ayaa xukunkii dalka oo dhan boobay Feb.1991, sheegtayna madaxweyne isagoon la tashan Reer Waqooyiga ama Koonfur inteeda kale. Dadka reer woqooyiga oo ka koobnaa beelaha Somaliland oo dhan, markii ay arkeen duudsigii, dulmigii iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay 30kii sano ee Israaca (1960-1990), haddana Koonfurtu si kas ah u boobtay madaxweynihii dhiciddii Siyaad ka dib, ayaa waxay magaalada Burco ku go'aansadeen bishii May 1991 inay gobonimadoodii iyo dawladnimadoodii kala soo noqdaan Somalia (Koonfurta) lana baxaan Jamhuuriyadda Somaliland. Ummadda Jabuuti oo xorrowday June 27, 1977, waxay go'aan ku gaadhay inay gooni isu taagto ka dib markii ay aragtay duudsiga iyo dulmiga lagu sameeyey Reer Waqooyiga intii u dhaxaysey 1960-1977. Go' aankaas Jabuutina waxa uu noqday warankii labaad ee ku dhaca Aragtida Somaliweyn. Haddaba, sidaas ayey taariikhda ugu caddahay in Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed toos uga mas' uul ahaayeen burburinta midnimadii Jamhuuriyadii Somalia, didinta Jabuuti iyo kufinta Aragtida Somaliweyn. Cadawga kowaad ee loo adeegsaday burburinta Aragtida Somaliweyn waxa uu ahaa qabyaalad. Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo Somaliweyn u qaylinaya Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed oo ah labadii burburiyay midnimadii labada gobol isla markaana fashiliyay Aragtida Somaliweyn ee ahayd in 5ta Somaliyeed la wada hoos keeno hal calan. Midnimo jacayl kama aha maanta oo waxay u hiilinlahaayeen markii la xasuuqayay dadka Reer Waqooyiga, magaalooyinkoodana la burburinayay. Maalintaas ayay u ekayd inay midnimo qiimeeyaan oo badbaadiyaan. Waxay maanta raadinayaan inay helaan fursad labaad oo ay ku xukumaan kuna boobaan dal iyo dad aanay u dhalan (Somaliland) wayse ku hungoobeen. Somali Galbeed maxay dad kula midoobaysa illeen xorba ma ahee? Waxaa halkaas ka cad in damaaci dabada ka wado ay rabto inay ku degto kuna xukunto dad iyo dal aanay lahayn sida xilligii Siyaad Barre. Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin figradda khaldan ee ah in 5ta Somaliyeed aan la kala xigin oo qofka Somaliyeed marba midda uu rabo dego waxna ka xukumo maadaama Somalidu wadaagto: dhaqan, diin, af iyo midab. Figraddan waxba kama jiraan, waana arrin halis ku ah qaranimada iyo dawladnimada dal kasta oo Somaliyeed, waayo waxay horseedaysaa sumad la'aan qaran iyo astaan la' aan dal, waana fawdadii jirijirtay intii u dhaxeysey 1970-1990. Waa figraddii u suurtogelisay Siyaad Barre in qaxootigii Somali Galbeed, siiba Ogaadeeanka, uu ka dhigo wadani, wadanigiina uu ka dhigo qaxooti arrintaas oo ku salaysanayd qabyaalad. Qaxootigaas oo laga dhigay xubno baarlamaan, gole dhexe, wasiirro, guddoomiyaal gobollo iyo degmooyin, maamulayaal, janano, taliyayaal ciidan iwm waxaa markii dambe loo adeegsaday dagaalladii Waqooyi qayb weynna waxay ka qaateen xasuuqii dadka, dhacii hantida, iyo burburintii magaalooyinka. Tusaale waxa loo soo qaadankaraa: Col. Moxamed Cumar Jees (Reer DHagaxbuur ) oo xubin ka ahaa wixii lagu magacaabijiray Golihii Sare ee Kacaanka, General Moxamed Cumar Cosman (DHagaxbuur ) oo ahaa taliyihii Ciidanka Badda, General Bile Rafle Guuleed (Wardheer ) oo guddoomiye ka kala noqday Mudug, Togdheer, iyo gobolkii W/Galbeed, Cabdiraxmaan Afar Jeeble (Qabridaharre ) oo guddoomiye ka ahaa gobolkii W/Galbeed marna ka ahaa danjire dalka Imaaraadka, General Cabdiwahaab Moxamed Xuseen (Qabridaharre ) oo ahaa taliyihii Ciidanka Guulwadayaasha, General Siyaad Daa`uud (DHagaxbuur ) oo ahaa taliyihii Qaybta 26 aad. Intaas iyo kuwo kale oo badan waxay ka mid ahaayeen qaxootigii Ogaadeen ee ka yimid Somali Galbeed oo inta lagu taxay jagooyinkii iyo darajadii laga boobay dadkii waddanka lahaa (Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia) markii dambe loo adeegsaday iyaga. Mar haddii Somalidu ku fashilantay inay si caddaalad ah wax u wada qaybsato, midnimadiina Somaliland ka dhaxashay xasuuq, dhac, iyo burburweyn oo ilaa maanta aanay qirsanayn Somalia, waxaa markaas habboon inay kala maqnaato si ay u kala badbaado. Somalidu kama duwana 18 ka dal ee Carbeed kuna kala dhaqan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe ee wadaaga: dhaqan, diin, taariikh, af iyo midab, laakiin mid kastaba dawladnimadeedu iyo calankeedu u gaar yahay, dadkooduna aanay ku xad-gudbin dawladnimada iyo dhulka kuwa kale. Jamhuuriyadda Somaliland waa dal xor ah oo
leh qaran u gaar ah iyo xuduud caalami ah waxaana leh dadka taariikh
ahaan ka soo jeeda dhulka Somaliland isla markaana deganaa
xornimo-qaadashadii 1960. Xuquuqda muwaadinimada waxaa leh dadka
Somaliland oo qudha. Dadka ka yimaada Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed,
Waqooyi Bari Kenya ama adduunka kaleba waa inay sharci ku soo galaan,
joogaan, isla markaana kaga baxaan Somaliland hawl kastaba haw yimaadeen
marka laga reebo dadka deggan Hawdka ee ka soo jeeda beelaha dega dalka
Somaliland. Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha, iyo madaxbanaanida
Somaliland waxay faraysaa in si joogto ah loola socdo dhaqdhaqaaqa
ajanebiga dalka jooga, ciddii ku xad-gudubtana tallaabo sharci ah laga
qaado. Maamulka, matalaadda, xukunka, difaaca, iyo dheefta Somaliland
waxaa leh Ummadda Somaliland oo qudha, waxaana Somalida kale ka dhaxeeya
xidhiidh wanaagsan oo walaaltinimo iyo iskaashi. |