Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 199 Date

Sheeko

Sidii uu ugu lisay ugumuu hambayn

Waxay kaga cawdeen UDUB

Maraykanka oo ciraaq ugu baaqay

Cabdi aw daahir oo...

Ardayda iyo baabuurta maxaa kala haysta

Mudaharaad ka dhacay degmada Gar-adag

Xaaladda gobolka Sool

"Gudoomiyuhu awood uma laha ku biirista urur kale"
Af-hayeen u hadlay ururka ILAYS

Kacaankii dhergiga

Waa maxay zakadu?

Waa maxay Zakada oo ladiido xukumkeedu?

 

 

 


 Sheeko

Baxnaan isaga oon beryahaa helin fursad uu ku soo bandhigo hobalnimadiisii oo hadda ay u dheer tahay jacayl la soo dersay oo hadda laabta ku hayo heeso badan oo intooda badan uu alifay intii uu joogay Hargeysa, ayaa waxaa soo gashay munaasibaddii 26-ka June ee sannadkii 1975-kii. Baxnaan waxaa habeenimadaa u baxay dhawaaq ciyaareed oo lagu xusayay maalinta gobonimada Somaliland, oo ay xilligaa ka soo wareegtay 15 sannadood.

Baxnaan waxaa sii raacay Khadar Ran oo ah inan ay guriga wada seexdaan. Baxnaan saacado kumay qaadan inuu hoggaansado ciyaartii oo uu noqdo ninka ay dhawaaqiisa ku xidhiidhsamayso ciyaartu. Codkii iyo ciyaartii fiicnayd ee Baxnaan waxay soo jiidatay weriyeyaashii Raadyow Hargeysa ee goobtaa joogay, watayna gaadhigii gaashaanaa ee loo yaqaanay (SBS), waxaanay weydiiyeen magaciisa, isaga oo u sheegay in la yidhaa Baxnaan Baashe, waxaana xilligaas uu barnaamijkaasi si toosa uga baxayay Raadyow Hargeysa heesta uu qaadayay Baxnaan oo ahayd; "Waa maalin boqran oo magaceenu ka muuqday dunidee, inaan u ciyaaraa oo ku cawaynaa calankeena waa caynkii gobonimo ku caan ahayd, bishaaradan iyo Bilan oo aan kulanaa ana waa badhaadhahayga."

Guriga ay Bilan joogto ee Ededeed Ruun Saddexle waxaa yaalay Raadyow, Bilana way taqaanay codka Baxnaan, magaciisana way maqashay, waxaanay u yeedhay Salma oo ay tidhi; "Bal kaalay ina’abti Salma, malaha waxaad is leedahay Bilan waa reer miyi, sowdigii I lahaa Baxnaan cidi inoo garan mayso, sawkan halkan ka heesaya ee magaciisiina la sheegay." Salma waxaa hore u ballamisay hooyadeed Ruun, markaa kamay horumarin Bilan, weliba waxay raacisay garawshiiyo ay leedahay walaahi waa runtaa oo waa tan ciyaartu ka socota. Salma waxaa aad uga yaabiyay markii ay heestii Baxaan qaadayay tiraba saddex jeer uu soo galay magaca Bilan. Labadii jeer ee hore way la dhegaysatay Bilan heesta Salma, laakiin markii saddexaad Bilan way dhacday, neef tuur iyo dhidid mooyee, hadal iyo hugunba waa laga waayay Bilan, iyada oo Salmi dul-fadhido oo biyana ku yara rushaysay, barkimo iyo sallina u dhigtay Bilan oo aan muddo 4 saacadoood ah hadal iyo indho kala qaad midna lagama hayn, ayay guriga soo gashay eddadeed Ruun oo markii hore guriga dibedda uga maqnayd. Markii ay Ruun aragtay in Bilan jiifto dhulka ismay ogayn goor ay tuurtay salladii iyo alaabo ay siday. Qaylo iyo ereyo amakaag ku jiro ayay isku dartay Ruun, iyada oo la hadlaysa inanteedii Salma, "naa inanta maxaa helay, miyaa la qaniinay, naa maxaa helay."

Salma oo yaabka yaabkii u dhammaaday ayaa tidhi; "Hooyo mas iyo wax qaniinay ma jiraane, ee waxaa dhacay, Bilan Raadyowgoo shidan ayay ii yeedhay, waxaa ka socday damaashaadkii 26-ka June, markaa nin ayaa ka heesayay ciyaarta ka socotay, hooyo ninkii ayaa ku heesay magaceedii, ninkuna wuxuu ahaa ninkii aan hore kuugu sheegay inay Bilan ii sheegtay, markii dambe ayuunbay dhacday, sidaasay hooyo ahayd."

Ruunbaa tidhi; "oo miyaad gaadhi doontid, oo aad dhakhtarka geysid."

Salma oo aan naxdin awgeed hore uga fikirin arrintan ay hooyadeed ku soo kordhisay ayaa tidhi; "Hooyo waan naxay oo sidii aan iyaduun u eegay miyaan wax kaleba xasuustay."

Qaddar saacad badhkeed ah markii ay Ruun iyo inanteedii dul-taagnaayeen Bilan ayay soo nafiifsatay Bilan sidii qof hurdo ka soo toosay. Waxaa layaab lahaa markii ay Bilan aragtay inay dul taagan yihiin Ededeed iyo ina’abtideed ayay tidhi; "Maxaa I helay, waa maxay halkan aan jiifaa."

Ruun oo ku faraxday indho-kalaqaadka Bilan ayaa tidhi; "Edo waxba kumay heiln ee kaalay sariirta seexo." Intaa waxay raacisay Ruun in aan wax hawla loo dirin Bilan, haddii ay qabo istidhaana laga joojiyo. Amarkaas oo ay fartay inanteeda salma.

Ruun maalintii xigtay waxay u keentay Bilan dhar, kabo iyo shandad ay ku ridato dhar iyo wixii kale. Ruun si ay u dhiirato Bilan waxay u samaysay arrin aan dhicin, waxaanay tidhi; "Edo waxaa ii yimid nin igu yidhi Baxnaan ayaa la I yidhaa, markaa waxaanu I yidhi waxaan doonayaa Bilan, waxaanan u sidaa farriin ayuu I yidhi. Waxaan ku idhi, Bilan way xannuunsanaysaa ee markay bogsato u kaalay. Farriinta ii dhiib ayaan ku idhi, markaa isna wuu iga gaabsaday, markaa Edo Baxnaan ma reerkeenaa, muxuu ahaa."

Bilan oo aan ogayn in edadeed ay fahamsan tahay Baxnaan oo ay Salmi u gudbisay arrintii Bilan ay uga sheegtay ayaa tidhi; "Edo malaha beeshii iyo reerkii xagay deggan yihiin ayuu iiga warrami lahaa ee maxaad iigu simi weyday."

Ruun oo sheekadii sii wada ayaa tidhi; "Waxaan ku idhi; Bilan haddaad farriin u doonaysana keen, haddaad sideeda u doonaysana dee reerkooda weydiiso."

Bilan oo dareentay in boogtii arrinteeda ay edadeed taabatay ayaa tidhi; "oo aabahay ma dadnimada qofkuu eegaa, wuxuu eegaa xoolaha qofku uu yaradka u siinayee."

Ruun ayaa si degan u tidhi; "oo edo Bilan imaad warramine ma nin ku weydiistay oo aad la haysay iyuu aabo kuu diiday."

Bilan ayaa yara aamustay, kor iyo hoosba eegtay, waxaanay waxoogaa ka yar fikirtay bal inay mushkiladeeda u soo bandhigto ededeed iyo inkale. Bilan waxay ogayd in aabaheed Gaas uu wax ka maqlo walaashii Ruun, sida hadda joogisteeda Hargeysa aanay reer Gaas u faragelin sidii ay Ruun u tidhi, waxay Bilan joogaysaa Hargeysa, ogaanta arrintaa awgeed ayay Bilan u aragtay fursad wanaagsan haddii ay arrinteeda u soo bandhigto ededeed, waxaanay tidhi; "Edo, aniga oo reerka joogay ayaa waxaa soo baxday in nin I doonaya oo la yidhaa Baxnaan o aanu isku degmo ahayn, markaa reer Gaas Saddexle waxay ogaadeen inaan ninka reerkoodu lahayn xoolo ay yarad u bixin karaan, markaa edo anigu Baxnaan ayaan la hayaa, laakiin dee waanigaa arrin kuu sheegay."

Ruun oo fahamtay in Bilan ay jeceshahay Baxnaan oo aanay doonayn in wax shuruud ah lagu xidho ayaa tidhi; "Edo inkasta oo aan anigu jeclaa inaad dhawr sannadood iska joogto, haddana geela adiga naftaada ayaa ka qaalisan, aabahaa Gaasna anigaa arrinta ka dhammaynaya, ninkana Edo maan arag, waxaanan sidaa kuu lahaa si aad iigu warranto sidan oo kale, anigu waxaan ahayd waalidkaa, waxaan ahay jiidhkaagii, qofkii aad wax ka qarsanaysay ma ihi, ee waxaan ahay qofkii aad wax ku qarsan lahayd."

Bilan ededeed inta ay labada dhaban ka dhunkatay ayay tidhi; "Edo wax ka qarso edadaa Ruun ismaan lahayn ee waaan ka xishoonayay inaan kuu sheego."
Ruun si fiican ayay uga waraysatay Bilan haybta, beesha iyo tilmaamaha Baxnaan Baashe, Bilan way u gudbisay Ruun wixii aqoona ee ay ka haysay Baxnaan.

Bilan maalintaasi waxay u ahayd maailnta qudha ee intii ay noolayd ay si dhab ah uga warranto rabitaanka nafteeda, waxaanay Bilan is tustay haddii ay go’aanadeeda si cad u gudbin lahayd sida ay maanta ugu gudbisay edadeed in arrimaheedu ay yeelan lahaayeen rajada maanta oo kale, sida ay u ballan-qaaday edadeed.

Ruun saddexle waxay u xamaan-qaadatay in ay u safarto halka uu deggen yahay walaalkeed Gaas Saddexle si ay ula socodsiiso arrinta Bialn oo weliba ka soo dhammayso inaanu horjoogsna oo aanu xoolo ku xidhin ninka ay Bilan raalida ka tahay ee Baxnaan.

Top


Sidii uu ugu lisay ugumuu hambayn

Shirweynihii koowaad ee ururka UDUB oo ka dhacay xarunta guddiga shaqaalaha dawladda ee magaalada Hargeysa 30 June - 7 July, 2001, wuxuu ahaa shirweyne leh muuqaalkiisa iyo saamayntiisa siyaasadeed ee guud ahaan Somaliland. Ka qaybgalayaashi shirkaa koowaad ee UDUB waxaa loo qaybiyay xilligaa laba nuqul oo qoraal ah oo mid yahay xeerka ururka UDUB, midna yahay barnaamijka ururka UDUB.

Tallaabadii ugu horraysay waxay ahayd u codaynta xeerka iyo barnaamijka UDUB, taas oo uu shirweynuhu u codeeyay.

Magacaabista xubnaha golaha dhexe ee UDUB waxaa codsi awgeed uu shirweynahasi oggolaaday in uu soo jeediyo guddoomiyaha ugu horreeyay ee ururka UDUB, isla markaana ah madaxweynihii Somaliland Alla ha u naxariistee, Maxamed Ibraahim Cigaal.

Laakiin inta badan waxaa shirkaa koowaad ee ururka UDUB shirguddoom iye ka ahaa guddoomiyaha hadda ee ururka UDUB, Md. Daahir Rayaale Kaahin, isla markaan ah madaxweynaha Somaliland. Xubnaha golaha dhexe oo ah 90, laakiin aan toban la magacaabin waxaa markii uu soo magacaabay guddoomiyihii hore ee ururka UDUB Maxamed Ibraahim Cigaal (Alla ha u naxariistee) kadib waxaa isagu magacyadaa ka akhriyay shirweynaha Md. Daahir Rayaale Kaahin, markii uu akhriyay magacyada sida Cabdi Aw Daahir oo ah xoghayaha ururka UDUB waxaa ka bilowday shirka buuq iyo sawaxan ay xubnaha qaarkood kaga baxeen shirka, iyaga oo muujinayay diidmo magacaabista xubnaha iyo jagooyinka loo dhiibay, laakiin Md. Daahir Rayaale oo guddoominayay shrikaasi, wuxuu si adag ugu adkaystay in sidii uu u yeedhiyay aan waxba laga beddelin liiskii, loolan saacad ku dhawaad socday kadibna wuxuu Daahir Rayaale ku guulaystay in shirweynuhu ansixiyo golihii dhexe ee ururka UDUB oo leh guddigiisa fulinta iyo jaran-jaradii kala sarraynta ururka.

Marka la eego hab-dhaqankii uu ku hanaanqaaday ururka UDUB, wuxuu ah mid leh kala dambayn iyo isku kalsooni oo ka fayow is-barbar yaac iyo muran soo dhaafa gudaha ururka.

Sida ku cad xeerka UDUB qodobkiisa 15.2 ayuu ku qabtay xilka guddoomiyenimada ururka UDUB, Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Marka la is-barbardhigo sidii uu suntida ugu qabtay buuqii ka dhacay shirweynihii UDUB, markii uu soo baxay liiska lagu magacaabay Cabdi Aw Daahir iyo rag kale sidii uu u difaacay Daahir Rayaale iyo maanta oo uu jiro ka daba-tag Cabdi Aw Daahir kaga dabo-tegay musharaxnimada madaxweynenimo ee ururka UDUB oo hore u caddaystay Daahir Rayaale, waxaa la odhan karaa Cabdi Aw Daahir ugumuu hambayn sidii uu Daahir Rayaale ugu lisay.

Dhinaca xeerka ururka UDUB marka la eego doodaha ay dhawaan is dhaafsanayeen xoghayaha ururka UDUB iyo xubno ka tirsan guddiga fulinta ee ururka UDUB, marka la eego qodobka 12.1 ee xeerka UDUB, wuxuu sheegayaa in inta u dhaxaysa labada shirweyne ee ururka uu golaha dhexe ee UDUB yahay hay’adda ugu sarraysa ee ururka, golaha dhexe oo ay hawl-maalmeedkiisa fuliyaan guddigiisa fulintu.

Marka la isku dayo in la faaleeyo dulucda runta ah ee uu salka ku hayo khilaafka soo if-baxay maalmihii dhowaa ee ururka UDUB, waxaa la xusi karaa xubno siyaasiyiin ah oo si fagaare ah u sheegay inay yihiin UDUB-ta cusub sidii u dar-dargelin lahaayeen hawlaha ururka UDUB. Runtii goobtaas oo ka mid ahayd kulamada ay ururka UDUB ku qabtaan degaanada kala duwan ee Somaliland ee ay ugu ololaynayaan taageeradooda maalintaa kamuu muuqan Cabdi Aw Daahir oo muu joogin goobtaas.

Arrintan ayaa noqon karta is-maandhaaf ka yimid hawlaha ururka UDUB oo sida loo dardargelinayo iyo cidda loo baahan yahay ay ku kala aragti duwanaadeen maamulka sare ee ururka UDUB, ugu dambayntiina isugu biyo-shubatay is-holintan soo shaac-baxday.

Top


Waxay kaga cawdeen UDUB

Boorama (Haatuf): Beel ka mid ah beelaha degaanka Boorama ayaa cabasho ka muujiyay qaabkii uu ururka UDUB u kala saaray musharaxiinta uu urur-siyaasadeedkaasi u sharaxay golaha degaanka ee degmada Boorama.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, oo arrintan ka soo warramay ayaa sheegay in xalay ay beeshaasi ka soo saareen Bayaan magaalada Boorama, iyaga oo Bayaankaas ku eedaynaya madaxda ururka UDUB u qaabilsan gobolka Awdal.
Warkani wuxuu intaa ku daray in beesha cabashadaas soo jeedisay ay ku tilmaameen madaxda UDUB ee gobolka Awdal in ay ku kaceen caddaalad-darro.

Sida uu soo sheegay Weriye Maxamed Cumar, waxa ay cabashadooda ku saleeyeen beeshaasi in liiska musharaxiinta golaha degaanka ee Boorama uu u sharraxday ururka UDUB laga saaray musharax aqoontiisu ay gaadhsiisan tahay heer jaamacadeed, iyaga oo sheegay in la daba-mariyay musharax aqoontiisu ka hoosayso musharaxooda jaamiciga ahaa.

Beesha cabashada soo jeedisay ee degaanka Boorama waxay ku xuseen qoraalkii ay arrintaa kaga cawdeen in tallaabadaasi ay qaadeen madaxda UDUB ee gobolka Awdal ay keeni doonto taageerada loo hayo ururka UDUB oo lunta.

Qoraalka cabashadaas oo ay ku qornaayeen 22 qof waxaa ka mid ahaa;

  1. Maxamed Faarax Bahdoon

  2. Xasan C/Laahi Warsame

  3. Cabdi Meecaad Kile

  4. Cabdi Siciid Warsame

  5. Maxamed Jibriil Shardi

  6. Iyo Maxamed Dhimbiil.

Top


Maraykanka oo ciraaq ugu baaqay

New York (W.Wararka) - Madaxweynaha Maraykanka George W. Bush, ayaa uga digay dalka Ciraaq inay wax carqaladayn ah ku samayso fulinta qaraarkii ka soo baxay qaramada midoobay ee ku saabsanaa in la baabi’iyo hubka khatarta ah ee ay haysato Ciraaq.

Madaxweyne Bush oo arrintan ka hadlayay waxa uu sheegay in haddii Sadaam Xuseen uu fulin waayo qaraarka Q. Midoobay uu Maraykanku diyaar u yahay inuu qaado tallaabada ku habboon, si ay Ciraaq u fuliso qaraarka Q. Midoobay, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu Bush sheegay in qaraarka Q. Midoobay uu muujinayo sida ay bulshada caalamku uga midaysan tahay wax ka qabashada xaaladda Ciraaq.

Hadalkan Bush, waxa uu ka dambeeyay markii dhawaan uu golaha ammaanku soo saaray qaraarka lambarkiisu yahay 1441 oo Ciraaq ugu baaqaya inay burburiso hubkeeda halista ah iyo inay dalkaasi dib ugu noqdaan baadhayaashii hubku.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa isna sheegay in hadii Ciraaq ay fuliso go’aankan ay taasi keenayso in cuna-qabataynta laga qaado Ciraaq.

Dalalka Carabta ayaa iyaguna cambaareeyay qaraarkan, gaar ahaana dalka Suuriya oo xubin ka ah golaha ammaanka oo u codeeyay qaraarkan.

Sida uu dhigayo qaraarkan waxa lagu wadaa inay Ciraaq bisha dambe tagaan baadhayaal dhinaca hubka ahi oo gaadhaya 80-100 xubnood.

Dhinaca kalena dalka Talyaaniga waxa ka dhacay shalay mudaharaad ay ka qaybqaateen ilaa 300-400 oo kun oo qof oo ka kala yimid dalalka Yurub, kaas oo lagaga soo horjeedo weerar lagu qaado Ciraaq.

Top


Cabdi aw daahir oo...

Hargeysa (Haatuf): Xoghayaha guud ee ururka UDUB, Dr. Cabdi Aw-Daahir ayaa shalay debedda looga tukhaan-tukhiyey xafiiskiisa, taas oo loo diiday inuu soo galo kaamboolka xarunta UDUB ee magaalada Hargeysa, waxayna taasi ka dambaysay markii habeenimadii halkaa la geeyey ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo amar lagu siiyey inaanu Cabdi Aw-Daahir soo geli karin xafiiska. Hase yeeshee Cabdi Aw-Daahir al-baabka xarunta ayuu shir jaraa’id ku qabtay ka dib markii ay askartu xafiiska debedda uga soo saareen, wuxuuna shirkaa jaraa’id kaga hadlay dhacdada cusub ee uu kala kulmay xafiiska.

"Ciidankii wanaagsanaa ee dalka xoreeyey ayaa maanta lagu soo lugooyey xisbigii UDUB, maxaa loo diiday inaanu halkaa wada fadhiisano oo aanu wada hadalo'ayuu hadalkiisa ku bilaabay Cabdi Aw-Daahir, iyadoo uu wejigiisa ka muuqdo dareen cadho lihi, laakiin inkasta oo uu u muuqday nin ka cadhaysan xafiiska debedda looga soo tukhaan-tukhiyey, hadana markii dambe hadalka kuma uu talax tegin ee waxa uu u hadlay si taxader leh.

"Anigu musharax ayaan ahay xisbiga gudihiisa ayaan ka ahay musharaxa, xeerka xisbiga u yaal ayaana sheegaya inuu nin kasta oo xisbiga ka mid ahi xaq u leeyahay inuu musharax noqdo'ayuu yidhi Cabdi Aw-Daahir, wuxuuna intaa ku daray "Maadaama uu ninkasta oo xisbiga ka mid ahi xaq u leeyahay inuu musharax noqdo, taas ayuun baan ku dhawaaqay, laakiin taasi waxay keentay tan maanta taagan, markaa guul baan taaganahay, waayo waxaan ogaaday wax mar dambe dhici lahaa ayaan maanta sii ogaaday, markii layga soo saarayna waxaan idhi mar hadii maanta meesha debedda layga saaray debedda ayaan ka hadlayaa, debedda ayaan dadka wax uga sheegayaa oo aan dimoqraadiyadda ka fidinayaa", laakiin Cabdi Aw-Daahir waxa uu ku adkaystay inuu isagu yahay xoghayaha guud ee UDUB ee sharciga ah, wuxuuna isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi "Anigaa xoghayihii guud ee ururka ah, musharaxna waan ahay, laakiin hadii ay cidi dacwad ka qabto waxay ahayd inaanu wada hadalo, balse may ahayn in ciidamo la keeno oo uu ururkii UDUB isu bedelo madaxtooyadii, inamada askarta ahi waxay igu yidhaahdeen maanta waa xero ciidan ‘e iskaga bax, markaa taageerayaashayda iyo dadweynaha waxaan leeyahay waynu hadlaynaa oo waynu dhawaaqaynaa". Laakiin Cabdi Aw-Daahir isaga oo la hadlaya madaxweyne Daahir Rayaale kaahin oo ah gudoomiyaha ururka UDUB, horena u sheegay inuu musharax yahay wuxuu yidhi "Madaxweyne Daahir Rayaale maalintii uu meesha qabsaday sharci ayuu ku qabsaday, maantana waxay ahayd inuu sharciga u hiiliyo, anigu waxaan ka mid ahaa raggii u horeeyey ee yidhi kaas ayaa la raacayaa meel kalena la qaban maayo, markaa sharcigii inuu maanta sidaa noqdo ma aha".

"Xisbigayagu waa xisbi dimoqraadi ah, laakiin fidmo ayaa hadda ku baxday, markaa waa in fidmada laga daayo'ayuu yidhi Cabdi Aw-Daahir mar la waydiiyey bal inuu dhaqanka xisbigiisu awelba sidaa ahaan jirey iyo inkale.

Xubno guddiga fulinta UDUB ah ayaa hore u sheegay inay xilka ka qaadeen xoghayaha guud, laakiin taa waxa uu kaga jawaabay inay tahay sharci daro oo aanay guddi fulineed xeerkoodu awood u siinayn inay xoghayaha xilka ka qaadaan, isla markaana waxa uu sheegay Cabdi Aw-Daahir inay xilka ka qaadi karaan shirweyne ururku yeesho oo keliya, laakiin mar la waydiiyey bal inay jiraan rag dhigiisa ah oo uu xilka kaga qaaday awood guddi fulineed wuxuu yidhi"Ma jirto guddi fulineed ah oo aan meesha ka saaray".

Sidoo kale Cabdi Aw-Daahir waxa la waydiiyey sababta uu shirka jaraa’id ugu qabtay albaabka xafiiska ururka ee uu meel kale ula tegi waayey, wuxuuna ku jawaabay "Xafiiska hadii aan ciidamada la keenin dee xafiiska ayuun baanu geli lahayn oo aanu ku wada hadli lahayn", laakiin waxa uu intaa ku daray "Waxaan xal u arkaa in inta aanu wada fadhiisano oo aanu isla eegno sharciyaddii ururka oo hadii uu xeerku ii ogaalanayo inaan musharax noqdo la yidhaahdo waa musharax waad tahay, hadii aanu ii ogolayna dee halkaas ayaan ka marayaa, waayo madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin wuxuu ku dhawaaqay inuu musharax yahay, aniguna waxaan ku dhawaaqay inaan musharax ahay, markaa labadayadaba golaha dhexe ee ururka ayaa food noo qaadaya, dabadeed hadii uu helona waana dhisayaa, hadii aan helona inuu I dhiso weeye, balse may ahayn in ciidan la adeegsado".

Dhacdadan cusub ee shalay xafiiska lagaga tukhaan-tukhiyey waxay qayb ka ahayd khilaaf cakiran oo mudooyinkan dambe ka dhex-oognaa hogaanka ururka UDUB, khilaaf oo la aaminsanyahay inuu hadda muddo huursanaa, laakiin waxa uu markii u horaysay debedda u soo booday toddobaad ka hor, waxayna arintu si wanaagsan u qaraxday markii Cabdi Aw-Daahir ku dhawaaqay inuu yahay musharax, kana sharaxan yahay ururka gudihiisa, hase yeeshee dhawaaqa Cabdi Aw-Daahir waxa uu ka cadhaysiiyey hogaanka sare ee ururka UDUB, gaar ahaan gudoomiyaha (Madaxweynaha) oo ah ninka keliya ee isagu isa siiyey musharaxnimada jagada madaxweynaha ee ururka UDUB, laakiin madaxweyne Rayaale oo ah gudoomiyaha ururka UDUB, isla markaana ah ninka hore ugu dhawaaqay musharaxnimadiisa iyo weliba kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin ilaa arintan juuq kama ay odhan, lamina garanayo sababta ay afka uga xidheen. Hase yeeshee xubnaha guddiga fulinta ururka UDUB ah ayaa iyagu soo saaray qoraal ay ku sheegayaan inay xilkii ka qaadeen xoghayaha guud, laakiin isna markiiba jawaab degdeg ah ayuu xoghayaha dhiniciisa ka bixiyey, wuxuuna ku dooday inaanay guddi fulineed awood u lahayn inay xilka ka qaadaan xoghayaha guud, isaga oo sheegay inaanu xeerkoodu awood u siinaynaa guddiga fulinta inay xilka ka qaadaan, sidoo kalena guddigu fulintu waxay ku andacoodeen inay xilka ka qaadistiisa u adeegsadeen qoddobo anshaxmarin ah oo xeerkooda ku yaal. Hase yeeshee doodahaasi ma noqon kuwo ay labada dhinac midna ku qanco, waxayna taasi aakhirkii keentay in Cabdi Aw-Daahir laga qaado talaabo ciidan, ka dibna ay askartu ku wargeliso inuu meesha iskaga baxo.

Top


Ardayda iyo baabuurta maxaa kala haysta

Hargeysa (Haatuf): "Waar I sii daa anigu iskuulo baan ku socdaaye'sidaa waxa tidhi gabadh yar oo ardayayad ah oo dhigata dugsiga Sh.Bashiir ee magaalada Hargeysa, waxayna intaa ku dartay "Subax kasta dhibaatadaas ayaa na haysata, maxaa baabuurtan meesha lagala soo doonay ma meel kale ayaa loo waayey, ilayn waxa kuugu darran Kaari maalin walba faraqa ha ku haysto". Arintaasi waxay subax walba ka taagan tahay istaan cusub ooo baabuurta ah oo ay dawladda hoose ee Hargeysa dhowaan ka samaysay meel u dhow dugsiga la yidhaahdo SH. Baraawe oo ah meel dhinaca waqooyin kaga soo jeedda isgoyska Baar Ubax, laakiin istaankaasi waxa uu ku yaal meel saddex iskuul u dhexaysa, kuwaas oo kala ah: Sh. Bashiir, SH. Baraawe iyo Madarasada C/laahi Muuse, laakiin arinta ugu darrani waxay tahay iyadoo uu istaankaasi ku yaal albaabka dugsiga SH. Baraawe, dhinaca kalena waxa uu istaankaasi ku yaal meel isgoys ah oo ay iskaga darsamaan ilaa afar wado, sidaa darteed waxaad goor walba arkaysaa baabuur gafuurka iskula jirta oo wax kala haga wayday. Hase yeeshee dhibaatooyinka ugu muhimsan ee ay baabuurtaasi dadka ku hayaan waxa ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiga Sh.Baraawe, halkaas oo ay kaariyada baabuurta karinaya qayladooda iyo sawaxankoodu daaqadaha ugu soo gelayo ardayda fasalada ku jirta. Sidoo kale waxaad subaxa iyo xiliga rawaxaadda arkaysaa gabdho arday ah oo uu nin kaari ahi lig-ligga haysto oo ay ku murmayaan baabuurkan soo fuul iyo meelna uma socda.

Waxa kale oo iyana khatarteeda leh caruurta yar yar oo iskuulada jiiddaa ku yaal oo halis u ah baabuurta meesha is baacsanaysa. Sidaa awgeed dawladda hoose waa inay dib u eegto istaanka ay ka samaysay albaabka dugsiga SH.Baraawe, iyadoo ay dareen naxariis leh lagu milicsanayo dhibaatada ay baabuurtaasi ku hayso ardayda wax ka barata Dugsiyada halkaa ku yaal, taas oo runtii ay dhibaato weyn ku tahay goobaha waxbarashada hoonka iyo guuxa baabuurta iyo weliba sawaxanka iyo qaylada kaariyada iyo dadka rakaabka ah ee hoganaya istaankaa, waana goobaha ay tahay in laga mam-nuuco sanqadha noocaas oo kale, sida: Cusbataalada, Dugsiyada iyo goobaha kale ee aan xamil karin qaylada noocaas ah. Laakiin waa arin daymo weyn leh suryo ay boqolaal arday ahi ka soo dareerayaan in laga dhigo istaan ay baabuurtu dhinac walba u galaa-baxayaan labada gelin-ba, run ahaantiina arintaasi waa mid uu werwerkeedu si weyn ugu muuqdo dadweynaha magaalada ku dhaqan, waxayna dad badanina iswaydiinayaan, tolow goorma ayey keeni doontaa khasaare laga naxo. Ilaahay inaguma keenee, Hase yeeshee waxay u baahan tahay in laga hortago, waxna laga qabto inta ay goori goor tahay.

Top


Mudaharaad ka dhacay degmada Gar-adag

Gar-adag (Haatuf): Mudaharaad balaadhan oo ay ka qayb qaateen dadweynaha ku dhaqan degmada Gar-adag ayaa shalay ka dhacay magaalada Gar-adag, waxaana mudaharaadkaa oo socday in muddo ah ay dadkaasi ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan isbedel lagu sameeyey xuduudaha degmadaa, taas oo ay dhowaan ku talaabsadeen saraakiil ka tirsan wasaaradda daakhiliga oo dhowaan socdaal hawleed ku tegay degaamada Ceel-Afweyn iyo Gar-adag, waxayna odayaasha degaanka Gar-adag sheegeen in 60% dhulkii degmada Gar-adag xukumi jirtey lagu wareejiyey degmooyinka kale oo kala ah: Ceel-Afweyn, Caynabo iyo Xudun.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad kala duduwan oo aanu isgaadhsiinta fooniyaha kula xidhiidhnay iyaga oo jooga magaalada Gar-adag waxay dadweynaha reer Gar-adag cabasho weyn ka muujiyeen sida loo maamulay xuduudaha degmadooda, taas oo ay ku tilmaameen iska horkeen laga shaqeeyey, iyaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay wasiirka warfaafinta xukuumadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo hadda socdaal hawleed ku jooga gobolka Sanaag, kaas oo ku tilmaameen inuu qayb ku leeyahay sida loo maamulay xuduudaha degmada Gar-adag.

Lix ka mid ah tuulooyinka looga talin jirey degmada Gar-adag ayaa hadda laga gooyey sida ay sheegeen odayaasha nala soo xidhiidhay, iyadoo ay weliba taa noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka degmada Gar-adag. "Sagaal tuulo oo ay degmada Gar-adag xukumi jirtey oo ay hadda maamul ahaan gacanta ku haysay oo ay cashuuraheedu yaaleen ayaa saddex keliya laga soo reebay, intii kalena la yidhi waanu ka goynay'ayey yidhaahdeen reer Gar-adag, waxayna intaa ku dareen "Tuulo 12Km u jirta Gar-adag ayaa laga gooyey, waxaana la raaciyey degmo u jirta 80KM, sida wax loo maamulayna waa si ka fog cadaaladda, waana ujeeddo siyaasadeed oo faashil ah, isla markaana waa gef oo loo geystay Jograafigii degmada".

"Wasiir dal dumis ah dooni mayno" ayaa ka mid ahaa halku-dhegyada ay dadka mudaharaadayey ku dhawaaqayeen, waxayna golayaasha dawladda iyo madaxweynaha Somaliland ugu baaqeen inay si degdeg ah wax uga qabtaan arintaa, hadii kale waxay ka digeen inay dhibaato keeni doonto. "Iyadoo uu wasiirka warfaafintu indhowayd-ba isku dhufasho ka waday degaamada Caynaba, Ceel-Afweyn iyo Gar-adag"ayey intaa ku dareen.

Odayaasha nala soo xidhiidhay waxa ka mid ahaa: Cumar Nuur Warsame, Axmed Cilmi Maxamuud, Aadan Ciise, Cabdi Axmed, Xirsi Diiriye Cali, C/laahi Xaaji Xirsi, Khaliif Ducaale Xiirey iyo qaar kale. Sidoo kale waxaanu la xidhiidhnay xoghayaha degmada Gar-adag Nuur cashuur Cawed, waxaanuna wax ka waydiinay bal sida ay wax uga jiraan cabashada dhinaca xuduudda ee ay dadweynaha reer Gar-adag ka mudaharaadeen, taas oo uu noo xaqiijiyey in degmooyin hore uga tirsanaan jirey degmada Gar-adag la raaciyey degmooyinka hareeraha ka xiga, wuxuuna xoghayuhu sheegay in degmada Gar-adag loo soo reebay saddex tuulo oo keliya.

Sida la sheegay shirka lagu saanyey xuduudaha degmada Gar-adag waxa uu ka dhacay degmada Ceel-Afweyn, shirkaasna waxa halkaa ku yeeshay wefti agaasimayaal ah oo ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha, laakiin sida ay wararku sheegeen wasiirka warfaafinta oo dhalasho ka soo jeeda degaanka Ceel-Afweyn ayaa isna la sheegay inuu wax ku lahaa gudoonka shirkaa.

"Sagaal goobood (Tuulo) oo ay degmada leedahay oo ay cashuuruhu u yaaliin, isla markaana maamulku uga dhisan yahay ayaa lix ka mid ah la yidhi waa laga gooyey, waxaana Gar-adag lagu soo reebay saddex tuulo oo keliya'ayuu yidhi xoghayaha Gar-adag, laakiin isaga oo tilmaamaya saddexda tuulo ee lagu soo reebay Gar-adag kuwa ay yihiin wuxuu yidhi "Saddexda lagu soo reebay Gar-adag tusaale ahaan mid ka mid ah oo ah Faraguul waxay u jirtaa 20KM iyo Fadhigaab oo u jirta dhawr iyo labaatan KM, tuulooyinka laga qaadayna waxay mid ka mid ah oo ah Dhanaano waxay u jirtaa 28KM, meesha la raaciyey oo ah Caynaba waxay u jirtaa 180KM".

Top


Xaaladda gobolka Sool

Laas-caanood (Haatuf): Sida la ogyahay inka badan laba bilood iyo badh waxa gobolka Sool socdaal hawleed ku joogay wefti shilis oo isugu jira salaadiin, xubno golaha guurtida Somaliland ah, Siyaasiyiin, duqay iyo wax garad kale, waxayna weftigaasi mudada intaa le’eg ku hawlanaayeen xal u helidda colaado dhexmaray qaar ka mid ah beelaha reer Sool, waxayna colaadahaasi mugdi weyn geliyeen xaaladda nabadgelyo ee gobolka Sool. Hase yeeshee sida ay cadeeyeen wararka iyo weliba dadka socotada ah ee gobolkaa ka imanayaa, waxay weftigfaasi hawl-galkoodii nabadgelyo ka gaadheen guul wax ku ool ah, isla markaana waxay weftigaasi guud ahaan dareenka dadka degaankaa ku yeesheen saamayn dhinacyo badan leh.

Axmed Sh. Jaamac oo dhowaan loo magacaabay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka gobolka Sool ayaa khamiisntii toddobaadkii ina dhaafay socdaal hawleed ku yimi magaalada Hargeysa, ka dibna wargeyska Haatuf ayaa shalay Axmed SH. Yuusuf kala sheekaystay guud ahaan xaaladda gobolka Sool sida ay waqtigan xaadirka ah tahay iyo halka ay marayaan hawlaha weftigaasi, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay "Horta gobolka Dayr wanaagsan aa ka hirgashay oo aad bay xaaladdiisa cimilo u fiican tahay, xagga nabadgelyadana indhowayto iminka ayey ugu wanaagsan tahay, laakiin maadaama ay dhalinyaro badan oo aan xilkas ahayni hubaysan yihiin inay wiigii ama labada wiig-ba hal mar ama bishii dhawr goor shil iska dhaco waa suurtagal, nabadgelyadaa wanaagsana waxa ugu wacan, runtii weftigii reer Somaliland ee gobolka tegay ayaa waxay qabteen hawl aad iyo aad qiime weyn u leh, taas oo taariikhda Somaliland meel la xusi doono ka geli doonta. Waxa jirey laba beelood oo qarniyo badan wada deganaa meesha la yidhaahdo Adhicadeeye, labadaa reer way is dhaleen oo waxay isu ahaayeen Abti iyo Inaabti miidhan, laakiin waxa dhexmartay colaad sokeeye tii ugu xumayd, wayna ku kala qaxeen magaaladii ay wada deganaayeen ee Adhicadeeye, waxayna ku kala maqnaayeen muddo sannado gaadhaysa, colaadaasna hadii Illaahay weftigaa u keenin way fogaan lahayd ayaan is leeyahay, dabadeedna weftigaasi arintaa nabadda way u dhabar-adaygeen, waxayna ugu dhiiradeen si aanay dadka gobolka ku dhaqani ugu dhiiradeen, waxayna ku galeen si ay daacadnimo iyo danayn weyni ka muuqato, iyadoo ay weftiga gacan siinayeen isimada iyo wax garadka gobolka oo dhan, wayna ku guulaysteen hawshaa, waayo markii ay labadaa beelood u garqaadeen waxay ka gaadheen go’aamo ay labada beelood-ba ka raali noqotay. Waxyaalaha ay dadku aad ugu fiirsanayeen waxa ka mid ah tuullada Adhicadeeye ee ay colaadda sokeeye ka dhacday sannado badan oo ay colaadu jirtay waxay ahayd abaar, laakiin maalintii labada beelood la isu dhaariyey ee ay nabadda qaateen ee ay si daacad ah gacmaha isu qabsadeen ayuu roobkii ka bilaabmay, waxaana ka da’ay roobab badan, haddana waxay ka mid tahay meelaha ugu barwaaqaysan, dadkii colka ahaana way isu soo galeen oo ay wada degeen magaaladii ay ku kala qaxeen oo hadda dib ayey u soo noolaatay, dadkii colaabayna gacmaha ayey is qabsadeen, runtiina arintaasi waxay ahayd arin nabadgelyada gobolka ragaad weyn ku ah, sidaa darteed hadda waxa la odhan karaa xaalada nabadgelyo ayaa gobolka soo food saartay, isla markaana arintaa weftigaasi guul way ka weyn tahay, waxaana ku tilmaami karaa hawsha ay weftigaasi qabteen mid taariikhiya".

Weftigaasi iyaga oo ay hadda gebogebo tahay hawshoodii nabadgelyo ayaanu waydiinay bal waxa ay hadda wadaan, wuxuuna yidhi "Labada beelood ee kale (Jaamac & Ugaadhyahan) waxa markii hore arintooda galay guddi kale oo dhul-bahante keliya ka kooban oo dhawr iyo labaatan ah, guddigaasina maalin dhowayd ayey go’aankoodii rideen, laakiin dhinac buu u cuntami waayey go’aankaasi, dabadeedna weftigii iyo isimadii gobolka ayaa ka daba tegay qoladii ka booday go’aankaa, taasina hadda waxay u muuqatay in la isugu wada tegayo oo iska dhamaanayso".

Weftiga reer Somaliland ee socdaalka hawleed ku jooga gobolka Sool oo markoodii hore ka baqoolay magaalada Hargeysa waxa ujeedooyinka ugu waaweyn ka mid ahaa inay reer Sool la soo yeesheen wada xaajood siyaasadeed, taas oo la filayey inay hogaamiyayaasha kala duwan reer Sool wada hadal kala soo yeeshaan cabashooyin la aaminsan yahay inay dadka degaankaasi ka sitaan dawladda Somaliland iyo weliba qaddiyadda madax banaanida sidii ay dadka reer Sool mawqif cayiman isaga taagi lahaayeen, laakiin mudada labada bilood iyo badhka gaadhaysa weftigaasi isuma kala bixin wax siyaasad ah. Sidaa darteed Axmed Sh. Jaamac (gudoomiyaha guddiga doorashada gobolka Sool) oo aanu waydiinay bal inay weftigu reer Sool ilaa hadda la soo qaadeen wax siyaasad ah iyo inkale wuxuu yidhi "Weftigu markii uu gobolka yimi waxa uu arkay jawigii nabadgelyo ee gobolka ee ay u muuqatay inay nabadgelyadu xun tahay go’aan bay qaateen, go’aankaasna waxaan is leeyahay aad bay u asiibeen, waayo waxay isku qanciyeen waar hadii aanay nabadgelyaba meesha jirin wax siyaasad ah lagama hadli karo. Sidaa darteed mar hadii ay arintii nabadgelyada meel wanaagsan dhigeen, baaqigana ay dhamaystiraan hadda ka dib waxay u egtahay inay u jeesanayaa arintii dhinaca siyaasadda, waxayna taasi ahayd arin hadda aad loo hadal hayo oo aad moodo in loo diyaar garoobayo", laakiin Axmed waxaanu waydiinay bal inay dadka reer Sool diyaar u yihiin wada xaajood siyaasadeed iyo inkale, wuxuuna ku jawaabay "Horta reer Sool siyaasiyan way qaybsan yihiin, qaybi waa dad aaminsan Somaliland, qaybina waxay ku xidhan tahay Puntland, waayo waxa jirta caadifadii qabaliga ahayd ee xagga reernimada wax ka eegaysay iyo qayb saddexaad oo leh Somaliweyn baanu sugaynaa, laakiin weftiga marka ay u soo jeestaan arinta siyaasadda waa lala xaajoonayaa, dadka wada xaajoodka weftigaa danaynayaana miisaan weyn buu leeyahay, tusaale ahaan isimadu waa u badan yihiin iyo dad kale oo wax garad ah oo miisaan weyn leh ayaa iyaguna danaynaya arinta, waxayna hadal haynteedu socotay oo markii aan ka imi la diyaarinayey guddigii weftigaa wada hadalka la yeelan lahaa ee qaabili lahaa", laakiin Axmed waxa uu intaa ku daray inay weftigaasi guud ahaan saamayn weyn ku yeesheen xaaladda gobolka. "Horta wefti miisaankaa leh waa wax hore u soo marin gobolka, isla markaana si weyn bay magaaladii iyo dadkii u dhexgaleen, taasina waxay keentay jawi cusub iyo is dhexgal cusub oo aan hore u jiri jirin. Dhinaca kalena meeshii ugu darayd dadka reer Sool oo ahayd nabadgelyada markii ay weftigaasi xoogga saareen oo ay si dhab ah uga hawl galeen iyo daacadnimada ay nabadda uga shaqaynayaan, dadku aad iyo aad bay ugu riyaaqeen, waxaana halkaa ka dhashay niyad sami".

Dhinaca maamulka mar aanu Axmed Sh. Jaamac wax ka waydiinay waxa uu sheegay inaanu marna maamulka Somaliland ka tamarin gobolka iyo maamul kale toona, laakiin waxa uu xusay in xubnaha dhowaan loo magacaabay tuhun weyn laga qabo inay wax dhaqaajiyaan, wuxuuse sheegay inay in mudadii yarayd ee ay magacawnaayeen ay iyaguna ku mashquuleen hawlaha nabadgelyada ee gobolka ka socda, sidaa darteedna aanay ilaa hadda fursad u helin gudagalka hawlahoodii maamul, hase yeeshee waxa uu Axmed farta ku fiiqay in maamulka cusub mustaqbalka hunguri laga qabo inay wax ka bedelaan xaaladdii maamul ee uu gobolku hore ugu sugnaan jirey.

Top


"Gudoomiyuhu awood uma laha ku biirista urur kale"
Af-hayeen u hadlay ururka ILAYS

Hargeysa (Haatuf): Qoraal saxaafadda loogu talo galay oo uu soo saaray ninka magaciisa la yidhaahdo Axmed Xaashi Cabdi oo sheegay inuu yahay kusimaha xoghayaha guud ee ILAYS iyo weliba afhayeenka ururka ayaa lagu beeniyey war ka soo baxay gudoomiyaha ururka ILAYS oo sheegay inay qaybta ururka ILAYS ee Burco ku biirtay ururka KULMIYE.

Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan: "Aniga oo ku hadlaya magaca ururka ILAYS-ka Somaliland, waxaanu burinaynaa , isla markaana cadaynaynaa inaanay waxba ka jirin war uu C/raxmaan Maxamed Cilmi TV-ga siiyey, kuna soo baxay wargeyska The Repuplican cadadkiisii 229aad ee soo baxay Nofembar 9, 2002, isaga oo sheegay inuu ILAYS-ka Burco ku biiray KULMIYE. Laakiin sida ku cad dastuurka ILAYS-ka qoddobka 11aad, faqradiisa 2aad, kaas oo awood u siinaya guddiga fulinta ku biirista urur kale, iyadoo uu golaha dhexena ansixinayo. Sidaa darteed waxaanu cadaynaynaa inaanu gudoomiyuhu awood u lahayn inuu go’aamiyo ku biirista ILAYS-ka Burco ee ururka KULMIYE. Ku biiristaasina waxay tahay mid shakhsiya oo ku kooban C/raxmaan Maxamed Cilmi, qofkuna waa u madax banaan yahay mawqifkiisa siyaasadeed.

Waxa kale oo aanu cadaynaynaa inaanu jirin wax shir ah oo ay yeesheen saraakiisha ururka ee gobolka Togdheer oo lagaga dooday ku biirista ururka KULMIYE. Waxa kale oo uu gudoomiyaha gobolku dhinac maray taladii xoghayaha guud ee ahayd inuu ka warsugo inta ay dhamaanayso qiimaynta xaaladda doorashooyinka iyo mawqifka ururka ILAYS-ku.

Hadaba si ay hawl-galada ururku halkoodii uga socdaan, loona qabyotiro maamulka gobolka waxa si kumeelgaadh ah loogu sii magacaabay jagada gudoomiyaha gobolka Maxamuud Axmed Nadiif oo ah xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ILAYS-ka Somaliland, kuna sugan magaalada Burco'ayuu af-hayeenka Axmed Xaashi ku soo xidhay qoraalkiisa. 

Top


Xaaladda laydhka Berbera

Berbera (Haatuf): Maareeyaha shirkadda Laydhka Berbera ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo B.E.E., Aadan Maxamed Aadan ayaa sheegay inay kordhiyeen saacadihii uu laydhku magaalada u bixi jirey, kana dhigeen 22 saacadood, isaga oo weriyaha Haatuf ee Berbera u sheegay inay sidaa u yeeleen Ramadaan darteed. Hase yeeshee maareeyuhu waxa uu intaa ku daray inaanay wax lacag kordhin ee ay lacagta laydhka laga qaadaa tahay sidii hore, wuxuuse dadweynaha u soo jeediyey inay soo qaataan saacadaha laydhka lagu xidho..

Waxa kale oo uu maareeyaha Laydhka Berbera sheegay inay Ramadaanta ka dib saacadaha Laydhka ka dhigi doonaan 24-saacadood.

Shirkadda laydhka B. E.E. waxa sannad ka hor ku midoobay shirkadihii yar yaraa ee Laydhka Berbera, waxayna talaabadoodani noqonaysaa markii u horaysay ee iyaga oo aan wax lacag ah kordhin ay saacadaha laydhka kordhiyaan. Hase yeeshee dad badani waxay aaminsan yihiin ilaa wershaddii weynayd ee laydka Berbera la kiciyo aanay magaalada ka haqab belay dhinaca laydhka, iyadoo ay wershadda laydhka Berbera hadda u fadhido dayactir la’aan, laakiin aanay dawladdu mar qudha xageeda jaleecin.

Top


 Kacaankii dhergiga

Janaraal NO:20: 

Janaraalkan oo ay hore sheekadiisu inoogu socoatay waxay ku joogtay "Waxaan tegay madaxtooyadii oo aanu wax dhaqdhaqaaq ahi ka jirin, waxaan u maleeyey inuu Mingistu is dilay", laakiin janaraalku wuu sii waday hadalkiisa, wuxuuna yidhi "Janaraal Tasfaaye Gabrakidan waxa oo noo sheegay inuu Mingistu dalka iskaga cararay, laakiin anigu waan qaadan-waayey, waxayna qawl-xumadiisu igu reebtay murugo iyo nebcaansho, waayo wixii ay intaas oo qof ku soo daaleen, intaas oo qofna ay naftooda u soo hureen inay sidaa ku dambayso aad baan uga xumaaday. Laakiin markii ay halkaa maraysay Janaraal Tasfaaye waxa uu noo soo jeediyey in siyaasadda wax laga bedelo, wuxuuna ugu horayn ku taliyey in la sii daayo dhammaan dadka siyaasadda u xidhxidhan, laakiin hadana waxa noo muuqatay inay wax walba u dhamaatay, taas oo aanay hadda muuqan meel wax laga qabtaa. Hase yeeshee waxaanu isku daynay inaanu xaaladdu qiimayno anaga oo dhinaca xaaladda ciidamada ka eegayna, taas oo aanu mooralka ciidamada eegnay bal sida ay yeeleen markii ay maqleen inuu Mingistu dalka ka cararay, halkaana waxa nooga soo baxay inay wax walba u dhamaatay, ka dib markii ay ciidamadii si wanaagsan u dumeen, kalana yaaceen.

Ciidamadii waqooyigu markii ay kala yaaceen janaraal Xuseen Axmed oo taliye u ahaa inta uu waxoogaa istaafkiisa ah urursaday ayuu diyaarad ku cararay, sidoo kalena magaalada Adis-ababa waxa ka duulayey diyaarado ay ciidamadu leeyihiin, kuwaas oo ay saraakiisha qaarkood iyo madaxdii kale ee dawladdu ku baxsanayeen. Laakiin anagu intii karaankayo ah waxaanu isku daynay inaanu nidaamka ilaalino, sidaa darteedna ciidamadu si aanay u boobin dadweynaha oo aanay xaaladdu faraha uga bixin waxaanu samaynay dedaal badan oo aanu taa kaga hortegeyno, taasna waanu ku guulaysanay wax badan. Hase yeeshee waxa iyadu hirgeli wayday arin kale oo aanu isku daynay, taas oo ahayd markii aanu damacnay inaanu dib abaabulo ciidamda si aanu u dagaal gelino oo aanu dagaal kale ugu qaadno ciidamada Yahaadhiida oo markaa dalka intiisa badan haystay, laakiin taasi nooma ay suurta gelin, waxaana dhacday in janaraal kasta oo is yidhaahda ciidankaaga dagaal geli ay ciidankiisu dilaan. Tusaale ahaan Birgaydhiyal Janaraal Sawda waxay ciidamadiisii ku toogteen meel la yidhaahdo Lulsagaad, waxayna dileen isaga oo ku jeeni-qaarran calankii Itoobiya oo isku deyaya inuu ciidankiisa dagaal geliyo. Sidoo kale ciidamo kale ayaa iyaguna taliyahoodii dilay isaga oo doonaya inuu dagaal geliyo.

Sheekada ah Mingistu Maraykanka iyo qolyo kale ayaa cadaadis ku saaray inuu dalka ka baxo aniga way igu adag tahay inaan rumaysto, waxaana u malaynayaa inay jireen rag reer Itoobiya ah oo Mingistu tegista la ogaa, taasina ay ahayd qorshe hore looga shaqeeyey.

Taliye NO:22: Taliyahan oo ka mid ah ragga ay gabadha buuggan qortay waraysatay wuu diiday inuu tafaasiil badan bixiyo, waxayna gabadhu waydiisay bal inuu uga waramo sheekada uu Mingistu ka bixiyey tegistiisii, wuxuuse hadalkiisa ku soo koobay dhawr erey, isaga oo yidhi "Sheekada uu Mingistu ka sheekeeyey ee ku saabsan bixistiisii waa been, mana aaminsani waxa uu ka sheekeeyey inay sax yihiin".

Taliye No:5: Taliyahan oo ka sheekeeyey maalintii uu Mingistu dalka ka baxayey waxa uu sheekadiisa ku bilaabay: "Anigu maalintii uu Mingistu dalka ka baxayey waaberigii hore ayaan hurdada ka toosay,waayo waxaan kuwa had iyo goor sii gelbiya marka uu meel u dhoofayo, sidaa awgeed maadaama la yidhi waxa uu tegayaa Bilaateen waxaan diyaar u ahaa inaan wax ka sii gelbiyo, laakiin waxaan sii qaatay hub fudud oo aan naftaydu uun ku difaaci karo, maadaama uu socdaalka la sheegay ahaa mid gaaban, isla markaana markii aan quraacdaydii cunay waxa kale oo aan xaaskayga u sheegay inay qadadana iigu talo gasho, laakiin ismaan lahayn socdaalkaagu wuxuu noqonayaa mid taariikhada gala.

Aniga iyo Mingistu waxaanu ahaan jirey laba qof oo aad isugu dhow ilaa muddo dheerna waxaanu ahayn dad aad isugu dhow, isaga oo walaalkii oo kale ii aamini jirey. Sidaa darteed raacista aan meelahaa u raaco ka sokow waxaan ka mid ahaa shakhsiyaadka marka ay doonaan gurigiisa sida ay doonaan u gala, ugana soo baxa. Dabadeedna maalintaa uu dalka ka baxayey anigu markii aan gurigayga ka soo baxay ee aan madaxtooyada gaadhay waxaan toos u galay gurigii uu deganaa, laakiin marwadiisa, Waysaro wubaanji ayaan kula kulmay guriga hortiisa, waxaanu iswaydaarsanay aniga iyo marwadii salaan, ka dibna gudaha ayaan u sii dhaafay, waxaana gudaha kula kulmay madaxweynihii Mingistu oo aan u sheegay inaanu aniga iyo saaxiibaday soo diyaar garownay, waayahay ayuu iigu jawaabay.

Dabadeedna madaarkii ayaanu tegnay, waxaanuna fuulay diyaaradii, laakiin sidii uu awelba ahaan jirey qaab ahaan waxba iska bedelin, sidaa darteed safarkiisu muu lahayn wax dareen ah iyo wax cusub oo ka duwan sidii hore ee uu ahaan jirey marka u safarada u baxayo. Tusaale ahaan had iyo goor marka uu safarada u baxayo waxa uu qaadan jirey Shandad yar oo Somesunite ah iyo Ul yar, maalintaana intuu uun buu soo qaatay, ee sidii wax soo noqonayn muu soo qaadan shandado waaweyni iyo alaabo badan toona.

Dadkayagii diyaaradda la saarnaa macal gacan yarihiisa marka lagu daro waxaanu ahayn 9 qof, laakiin markii aanu inyar u sii jiray Belateen oo ah halkii aanu aaminsanayn inaanu u socono ayuu madaxweynihii Mingistu u yeedhay Bayloot-kii, wuxuuna si yar oo fudud u siiyey amar, isaga oo ku yidhi "Waxaan shir weyn oo muhim ah ku leeyahay Nayroobi ee ina gee", laakiin Bayloot-kii wuxuu ugu jawaabay "Maadaama aan hore laygu sheegin inaan Nayroobi tegayo ma sito maabkii ee maxaan yeelaa", intaa markii aanu maqalay intayadii kale ee raaciyadda ahayd aad baanu u naxnay, balse Mingistu inyarna muu nixin, wuxuuna mar kale Bayloot-kii ku yidhi "Sida aad doonto yeel oo ina gee Nayroobi, waayo ka jira shir aanan ka maqnaan karin, mana doonayo inaad cidna ii sheegto, adiga ayey ku jirtaa sida aad yeelayso hadii aad doonto la xidhiidh Taawarkii oo ha ku hogaamiyeen, laakiin maanta waa khasab inaan Nayroobi tagaa". Dabadeedna waxaanu soconaba waanu gaadhnay Kenya, laakiin xaaladayadu waxay ahayd mid qasan, waxaana nagu batay ka dhaafka, waxaase naloo sii gudbiyey Simbaabwi. Hase yeeshee habeenimadii markii Kenya loo gudbinayey waxa uu Mingistu aniga iga codsaday inaan u raaco Simbaabwi, laakiin waxaan u sheegay inaan doonayo inaan dalkii ku laabto, balse iskuma uu deyin inuu igu qanciyo inaan Simbaabwi u raaco, wuxuuse iiga sheekeeyey inaanu isagu dalkii dib ugu noqonayn, sidaa darteed waxa uu I hogo tusaaleeyey khatarta aan la kulmi karo hadii aan dalkii dib ugu laabto, laakiin waxaan ku adkaystay inaan dalkii dib ugu laabanayo xataa hadii aan dhimanayo aan doonayo inaan dalkayga ku dhinto. Sidaa awgeed markii uu arkay inaanu ii taag helayn ayuu iga hadhay, wuxuuna waraaq iigu dhiibay Janaraal Tasfaaye, waxaana dalkii dib ugu soo laabtay maalin labaadii, dabadeedna markii aan dalka soo galayba waxaan waraaqdii Mingistu ii soo dhiibay farta ka saaray janaraal Tasfaaye, iyadoo uu Janaraal Tasfaaye waqtigaa ahaa gudoomiye xigeenka golaha qoomiyadaha, wuxuuna Mingistu waraaqda ugu soo qoray waxyaalihii uu is lahaa way anfacayaan ee uu markii hore ee uu tegayey u sheegi kariwaayey, waxaana ka mid ahaa waxyaalihii u soo qoray:

  1. Lacag gaadhaysa ilaa 7 milyan iyo badh oo Birr oo meel taal, isla markaana lacagtaa lagu soo saari karo amarka Mangistu Gamaju oo qudha.

  2. Waxa kale oo jirta lacag kale oo ay hayaan Fiqrasalaase wagdarasa iyo Haylu Yamanu, lacagtaas oo ka soo baxda qaadka Dirir-dhabe laga diro waxa loogu talo galay in la siiyo ururada gobanimo doonka Somaliya iyo Suudaan.

Waxa kale oo uu Mingistu afka iiga soo sheegay inay jirto lacag 20 milyan oo Birr ah oo ay na siisay Kuwayt, ka dib markii aynu gacanta siinay xiligii dagaaladii gacanka, lacagtaasna halka ay taal waxa garanaya Haylu Yamanu iyo wasiirka maaliyadda.

Waraaqdii iyo hadalkii uu afka iga soo faray Mingistu waan gaadhsiiyey Janaraal Tasfaaye, waxaanse sheekada u fahmay inuu Janaraal Tasfaaye la ogaa Mingistu tegista, waayo waxa shaki igu beeray waxyaalo badan oo isku beegbeegmay oo la xidhiidha tegistii Mingistu iyo hadaladii Raadyowga laga sheegay ee uu Tasfaaye baahiyey ama ogaa.

Marwadii Mingistu diyaaradda nalama ay saarnayn, laakiin waxa beri dambe la ii sheegay in markii ay guriga hortiisa igu salaamaysay ay u sii duushay Simbaabwi oo ay Mingistu ka sii horaysay, laakiin aniga markaa iima ay sheegin sidaa" La soco cadadka dambe.

Top


Waa maxay zakadu?

Zakada waa waxa uu bixiyo qofku ee ka mida xaqa Alle, Lana siiyo dadka saboolka ah, waana tiir ka mida tiirarka Islaamka ee shanta ah, Waxana lagu xariiriyey sheegitaankeeda salaadda 82 aayadood , sideetan iyo labada meelood oo quraanka markastoo la sheego salaadda waxaa la raaciyaa zakada, Wuxuu Alle ku farad yeelay kitaabkiisa iyo sunada rasuulka nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha noqotee, Ummadiisuna waa isku waafaqday. 

Ibnu cabaas waxa laga weriyey asaga iyo aabihiisba Alla ha ka raali noqdee Inuu nabigu nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha noqotee markuu mucaad ibnu jebel u diray Yaman wuxuu ku yiri (waxaad u tegeysaa qolo ahlu kitaab ah ee waxaad ugu yeertaa shahaadada inaanu Alle maahee ilaah kale jirin iyo inaan ahay rasuulkii Alle, hadday kaa yeelaan arinkaas ogeysii in Allaha cisada lihi ku farad yeelay dushooda shan salaadood maalin iyo habeen kasta, Haddey kaa yeelaan arinkaas ogeysii in Alle kor ahaaye ku farad yeelay korkooda sadaqo maalkooda dhexdiisaa lagana qaadayo kuwooda maal qabeenkaa laguna celinayo kuwooda saboolkaa, hadday kaa yeelaan arinkaas waxaan ukala digayaa adiga iyo maalkooda midka karaamada badan, kana baq kan ladulmiyey ducadiisa wax xijaaba oo udhexeeyaa majiraan Alle iyo ducadiisa) Nusuusta Zakada Zakada nusuusta boorinaysa in labixiyo,waxaa kamida , 
1-Suuratul towbah ----Aayadda----103-104 
2-Suuratul daariyaat---Aayadda------015-019 
3-Suuratul xaj --------Aayadda-------041 
4-Suuratul towbah -----Aayadda------081 
5-Suuratul baqarah-----Aayadda------276 
Nusuusta cabsi gelinaysa zakada oo ladiido waxaa kamida, 
1-Suuratul towbah------Aayadda -----034 
2-Suuratul Alcimraan----Aayadda------180 

Xagga axaadiista waxaa kamida xadiiskii dheeraa waana sidan, Abuu hureera wuxuu werinayaa xadiis kusugan Axmed, Bukhaari iyo Muslim inuu rasuulku nababad gelyo iyo naxariisi korkiisa hanoqotee yiri, (majiro nin haysta kayd. oo ankagudin zakada illaa haduujiro waxa lagusoo kululaynayaa naarta jahannama dhexdeeda waxaana lagayeelaa gaballo, markaasaa lagu gubaa gabaladii dhinacyadiisa iyo wajigiisa ilaa Alle kala xukumayo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay, majiro qof geel haysta oo anka gudin zakada illaa haduu jiro waxaa loofidiyaa, banaan siman asagoo geelii markuu ugubuurnaa lamida ayuu kusoconayaa dushiisa markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa tii uguhoraysay ilaa Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay, majiro qof ari haysta oo aan ka gudin zekada ilaa hadduu waxaa loo fidiyaa banaan siman arigii oo markuu ugu buurnaa lamida waxay kula soconaysaa cidiya heeda waxayna ku dooxaysaa, geesaheeda kumana jiraan mid geeslaaban iyo mid an geeso lahayn, markastoo ay dushiisa dhaafto tan ugudanbaysa waxaa lasoo celinayaa tii ugu horaysay ilaa Alle kala xukumo adoomihiisa dhexdooda maalin qiyaaskeedu yahay konton kun oo sano lamida kuwaad tirsanaysaan, markaasaa latusiyaa jidkiisa inuu xaga jannada yahay ama inuu xaga naarta yahay)-ilaa aakhiral xadiis.aduunka latirinayo. 

Top


Waa maxay Zakada oo ladiido xukumkeedu?

Hadduu diido qofku zakada waajib nimadee-da wuu ka baxayaa islaamka, Waxana loo dilayaa gaalnimo hadduusan ahayn nin dhowaan soo islaamay oo markaas waxa loogu cudur daarayaa jaahil nimadiisa, laakiin hadduu diido qofku zakada isagoo aaminsan waajib inay tahay zakadu, kaasi wuu denbaabayaa diidmadiisa darteed laakin kama baxayo islaamka, Waxana xaakimka ama qaadiga dushiisa ah inuu xoog kaga qaado zakada tacsiirna(ganaax) ku sameeyo, kamana qaadayo wax ka badan zakada, Laakiin Axmad iyo Shaafici qowlka hore waxay qabaan in laga qaado zakada iyo maalkiisa barkiis taasoo ciqaab looga dhigayo. Haddii qabiilo ama qolo awood leh ay diidaan zakada bixinteeda ayagoo rumaysan inay tahay waajib waalala dagaalamayaa ilaa ay dhiibaan zakada, Daliilkuna waa xadiiska ku sugan Bukhaari iyo Muslim, Cabdullaahi ibnu Cumar isaga iyo aabihiis Alla ha ka raali noqdee wuxuu werinayaa inuu nabigu nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha noqotee yiri:(waxa lay amray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay iraan Alle maahee inaanu jirin aIle kale, Muxamadna inuu yahay rasuulkii Alle, salaadana ay oogaan, zakadana ay bixiyaan, haddey sidaas yeelaan waxay iga nabad geliyeen dhiigooda iyo maalkooda xaqa islaamka mooyee, xisaab tooduna waxay u taal Allaah. 

Yaa zakadu ku waajibtey? 

Waxay ku waajibtay muslim xor ah, oo haysta maal zaka gaarey (nisaab) noockasta ha noqdo ee noocyada maalka oo zakadu ku waajibto. (gaalna kumay waajibin) (adoona kumay waajibin) 

Shuruuda nisaabka(ama zaka goyska) 

  1. Waa inuu ahaadaa zakadu wixii ka baxsan qofka xaajadiisa ama baahidiisa, taasoo aanu ka maarmi karin qofku, sida cuntadiisa, dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama gaadiidka uu raacayo markuu meelrabo inuu aado, iyo qalabka shaqada. 

  2. Waa inuu kasoo wareego sanad (12 bilood) laga soo bilaabo maalintuu gacanta ku dhigay maalkaas gaaraya nisaabka, waana lagama maarmaan sanadkoodhan inuu maalku kaamil yahay ee wax nusqaana aaney kudhicin, hadduuse nusqaamo sanadka dhexdiisa haddana kaamil noqdo marlabaad waxa loo fiirinayaa markuu kaamil noqday oo markaas ayaa laga soo bilaabayaa tira sanadeedka. Imaamu Nawawi wuxu yiri mad habkayaga, mad habka Maaliki, mad habka Axmad, iyo jamhuurta culimada waxay qabaan in loo shardiyo maalka zakadu ka waajibto cayntiisa sida dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa, inuu joogto yahay nisaabku sanadka dhamaantiis, hadiise nisaabkii nusqaani ku dhacdo daqiiqad sanadka ka mida,markaas waxa go’aya tirsigii sanadka ee loo tirinaayey maalka, hadduu markaas ka bacdi kaamil noqdo maalkii markaas ayaa tirsi horle loo bilaabayaa. 

Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya oo la fiirinayaa sanadka awalkiisa iyo aakhirkiisa oo hadii nisaabkii kaamil yahay markuu sanadku dhamaado wax dhiba malaha nusqaanta ku dhacday sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa hadduu qofku haystay laba boqol oo dirham markaasna ay ka baaba aan hal dirham mooyee intiikale, ama afartan ariya ayuu lahaa markaasaa waxa uga soo haray halneef oo kaliya sanadka dhexdiisii,markaasuu dhamaadkii sanadka wuxu helay afartankii iyo wax ka siibadan waxa laga rabaa zakada maalkaas oo dhan. Maalka zakada laga dhiibaa waa laba qaybood: 

  1. Mid waa nooc naf ahaantiisa u kordha sida xabuubka (bariiska iyo masangada iyo wixii lamid ah) simaarta (miraha sida timirta cinabka iyo wixii la mid ah), noocaas waxay zakadu ku waajibtaa markii la goosto ee gacanta lagu dhigo wixii beeraha ka soo go'ay. 

  2. Qaybta labaad waa wixii qaab ganacsi loo diyaariyo inay kordhaan sida Dirhamka, Diinaarka, Hantida ganacsiga(curuudul tijaarah) iyo xoolaha soo daaqa cawska banaanka, kuwaasna waxa loo fiiirinayaa sanad inuu ka soo wareego, markaas ayaa laga dhiibayaa zakada, saasna waxa yiri fuqahada dhamaantood, waxaad ka heli kartaa Majmuuca uu leeyahay imaamul Nawawi. Zakada maalka ilmaha yar Qofka yar iyo kan waalan zakadoodu waxay ku waajibaysaa inuu ka bixiyo maalkooda hadduu gaaro nisaab qofka weligooda ama masuuliyadooda haya. Qofka deynka qaba Qofkii haysta maal zako ka waajibtey isla markaana deyn qaba wuxu ka bixinayaa deynta, inta soo hadhay ayuu ka zakeynayaa hadduu gaaro nisaab haddiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa dushiisa laguma laha sababtoo ah xaaladaas la joogo waa sabool (faqiir). 
    Qofkii dhintay asagoo lagu leeyahay zako? 

Qofka dhintay isagoo dushiisa lagu leeyahay zako waxay ku waajibaysaa maalkiisa, waxana la hor marinayaa zakada intaan la siin dadka deynta kuleh, iyo dadka meydku u dardaarmay in maalka wax lagasiiyo,iyo kuwa dhaxalka leh kuwaasoo dhami waxay sugayaan markii zakada laga dhiibo maalka laga dhintay, waxana loo daliishanayaa xadiiska laga weriyey ibnu cabaas asaga iyo aabihiisba Alla ha ka raali noqdee wuxu yiri nin ayaa u yimid rasuulka nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha noqotee, markaasuu ninkii yiri hooyaday ayaa dhimatay ayadoo lagu leeyahay bilsoonkeed ee maka gudaa (makasoomaa) Markaasuu yiri rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha noqotee (haddii hooyadaa deyn qabto miyaadan ka gudeen?) markaasuu ninkii yiri haa waan ka bixinlahaa, markaasuu yiri (deynta Alle ayaa xaq mudan in lagudo) waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim. 







 

 

 

Top