Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 221 December 10, 2002

Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisa Oo Ka Soo Baqoolay Ceerigaaabo

Siday Reer Berbera U Arkeen Weerarkii Laas-Caanood

Mudaharaadyo Lagu Diidan Yahay Weerarkii Ciidamada C/Laahi Yuusuf Oo Ka Dhacay Hargeysa Iyo Berbera

"Somaliland Forum Oo $5000 Ugu Deeqay Guddiga Doorashooyinka"

Munaasabad Lagu Taageeraayo Dimoqraadiyadda Somaliland Oo Lagu Qabtay Dalka Holland

waanu ka xunahay weerarka ka dhacay laas-caanood

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Xuska maalinta xuquuuqda adduunka

Xaaladda Laas-caanood

Degmooyinka Gebilay iyo Baki

Baaxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Banaan-Bax Lagu Diidan Yahay Weerarkii Laas-Caanood Oo Ka Dhacay Buuhoodle

Beel Ka Mid Ah Deegaanka Boorama Oo Kalsoonidii Kala Noqotay UDUB

"Waxa La Duudsiyay Xuquuqdii Beesha Sacad Muuse"

"Nimaan kuu Furi Doonin Yaanu Kuu Rarin"

Waxaanu Iska Casilnay Musharaxnimadii KULMIYE, Gebiley, Waxaananu Ku Biirnay Ururka UCID



Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisa Oo Ka Soo Baqoolay Ceerigaaabo

Ceerigaabo (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland , mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa shalay gelinkii dambe ka soo baqoolay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sool, ka dib markii ay weftigaasi halkaa booqasho ku joogeen laba caano-maal. 

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf, Liibaan Maaweel Shire oo ka mid ah weriyayaasha weftiga la socda weftiga madaxweynuhu waxay magaalada Ceerigaabo uga soo baqooleen dhinaca galbeedku. Hase yeeshee madaxweyne Rayaale subaxnimadii shalay ayuu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha reer Ceerigaabo oo si weyn isugu soo baxay, wuxuuna madaxweynuhu khudbadiisa kaga hadlay ujeedada safarkiisa iyo arintii kala kulantay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Laascaanood nabadgelyo ayaan ku tegay, reer Laascaanood-na way I soo dhoweeyeen, laakiin waa nalagu soo duulay, kuwii nagu soo duulayna waanu iska difaacnay oo may lahayn awood ay wax nagu yeelaan, waxaanuse u danaynay nabadgelyada dadka reer Laascaanood, sidaas ayaanu uga baxnay magaalada"ayuu yidhi madaxweyne Rayaale, laakiin waxa uu intaa ku daray "Dadka reer Somaliland ha u diyaar garoobeen difaaca dalkooda, dawladuna waxba kala hadhimayso awoodeeda".

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu khudbadiisa Ceerigaabo kaga hadlay waxyaalihii uu qabtay mudadii uu xilka hayey, isaga oo sheegay inuu wax badan ka qabtay siyaasadda arimaha debedda iyo qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland, sidaa darteedna ay rajada arinta aqoonsigu aad u wanaagsan tahay, laakiin madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu khudbadiisa Ceerigaabo kaga hadlay dhinaca doorashooyinka, isaga oo sheegay inay doorashooyinku waxtar u leeyihiin Somaliland hadii ay u dhacaan si nabadgelyo ah, balse hadii kale ay waxyeelo u gaysanayaan, sidaa darteed madaxweyne Rayaale waxa uu dadweynaha Reer Ceerigaabo ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadgelyada., laakiin isaga oo weli ka hadlaya doorashooyinka waxa uu ku tilmaamay doorashooyinka inay noqon doonaan kuwo xor ah oo uu qof waliba u codayn doono cidda uu jecel yahay, hase yeeshee waxa uu khudbadiisa ku xusay inuu u taagan yahay tartanka madaxtinimada madaxweynenimada Somaliland, isla markaana uu ka sharaxan yahay ururka UDUB, isaga oo intaa ku daray inuu ku rajoweyn yahay inuu ururkiisu kuu guulaysan doono doorashada.

Madaxweyne Rayaale ugu dambayn waxa uu khudbadiisa ku dheegay ballan-qaadyo wax qabad, taas oo uu sheegay inuu degdeg wax uga qaban doono dhismaha wadada rafka ah ee Ceerigaabo ilaa Burco, isaga oo sheegay in dhismaha wadadaa laga soo bilaabi doono dhinaca Ceerigaabo.

Sida uu sheegay weriyaha Haatuf waxa kale oo fagaaraha Ceerigaabo ka hadlay wasiirada warfaafinta iyo maaliyadda dawladda Somaliland (C/laahi Maxamed Ducaale & Xuseen Faarax Dooddi) oo weftiga ka mid ah.

Madaxweyne Rayaale iyo weftigiisa waxa lagu wadaa inay goorta dambe oo xalay ah soo gaadhaan magaalada Burco, iyadoo ay wararka qaarkoodna sheegeen inuu maanta dadweynaha reer Burco kala hadlayo meel fagaare ah, ka dibna waxa laga yaabaa inuu u soo gudbo dhinaca Hargeysa.

Madaxweyne Rayaale oo Axaddii doraad ka baqoolay degmada Caynabo oo uu muddo hal habeen ah ku sugnaa ka dib markii uu ka soo laabtay Laascaanood oo uu dagaal ku haleelay.

Top


Siday Reer Berbera U Arkeen Weerarkii Laas-Caanood

Berbera (Haatuf):- wariyaha Haatuf ee gobalka Saaxil C/raxmaan X. Daahir (Casaan) ayaa sheegay in dadka ku nool magaalada Berbera aqoonyahano cuqaal ganacsato ay intooda badan dareen cadho leh ka muujiyeen marka aay ka dhagaysteen idaacadda BBC-da wararka lagu soo qaaday Laas-caanood iyadoo halkaa uu ku sugnaa xiligaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin wariye C/raxmaan wuxuu aragtidaada weerar kaa Laas-caanood wax ka weydiiyay dad ka kale tirsan qaybaha bulshada ee dadweynaha ku nool magaalada Berbera, waxaa ka mid ahaa dadkaas Ganacsade Xuseen Sanca oo fadhigiisu yahay magaalada Berbera kana soo jeeda gobalka Sool, Waxanu Xuseen Sanca arintaas ka yidhi "Waxa uu ahaa dagaal si xilkasnimo daro ah u dhacay Madaxweynaha iyo waftigiisa waa lagu martiqaaday gobalka Sool, may ahayn waxa Laas-caanood ka dhacay wax talo ku dhacay ma aha, wax umadu raali ka tahayna ma aha, wixii dhacay waa in talo mideeysan lagu xaliyaa".

Wariye C/raxmaan waxaa kale oo uu aragtidiisa weerarkii Laas-caanood uu waydiiyay Maxamed Aadan (Gando-Cade) oo ka mida aqoonyahanada ka qaybgalay halgankii xoraynta ee Somaliland waxaanu yidhi: "Arinta dhacday waa mid aad iyo aad u foolxun waana niman gardaro iyo kibir inoo keenay waxa weeyi in lala dagaalamo oo ninka isaga oo boosaaso jooga leh reernimo ayaan Laas-caanood ku doonayaa waa in dagaal cad lagu qaadaa" Sidaa waxaa yidhi Maxamed Gabo-cade.

Xuseen Nuur Abu-Grush oo isna ka mida dadka reer Berbera ayaa arigtidiisa weerarkii Laas-caanood uga waramay weriye C/raxmaan X. Daahir (Casaan) waxaanu yidhi: "Sool waa in dhiig iyo dheecaanba loo huraa, in qaranimada la daafacaana waa wax dhamaan inagu waajiba".

Dadka reer Sool waxaanu ka tacsiyadaynaynaa dhibaatada ay gurigooda ka rideen afar inan oo yaryar oo nimaan dantoda wadin ku qadhaabanaya" Sidaasna isna waxaa aragtidiisa weerarka Laas-caanood ku dhiibtay Jiif Caaqil M.M. Xandule (Indha-Cade). 

Guud ahaan magaalada Berbera iyo gobalka Saxil waxaay dadku u arkeen weerarkii Laas-caanood farogalin foolxun oo lagu xad gudbay Somaliland.

Top


Mudaharaadyo Lagu Diidan Yahay Weerarkii Ciidamada C/Laahi Yuusuf Oo Ka Dhacay Hargeysa Iyo Berbera

Hargaysa (Haatuf): Isu soo bax ballaadhan ayaa ka dhacay fagaaraha khayriyadda ee Hargeysa shalay oo ay ka soo qaybgaleen dadweynaha ku nool magaaladan Hargeysa. Madax ka tirsan hoggaanka ururada siyaasadda ee Somaliland iyo mas’uuliyiintma maamulka dawladda ee magaalada Hargeysa iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, kulankaas oo ahaa mid ay dadka ka soo qaybgalay madax iyo shiciba ku muujinayaan dareenkooda ku aadan faragelintii ay dhowaan ciidanka C/laahi Yuusuf ku sameeyeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaas khayriyadda ee shalay hadal u soo jeediyay dadweynihii faraha badnaa ee ka soo qaybgalay ayaa yidhi; "Banaan-baxani maaha mid aynu maanta ku kala qaybsanahay, mid Axsaabta iyo dawladdu ku kala duwan yihiin maaha, mid dadweynaha iyo shacbi-weynaha iyo reer Somaliland ay ku kala duwan yihiin maaha, waxaynu iskugu soo baxnay inaynu muujino dareenka iyo shucuurta aynu ka qabno jiritaanka dalka iyo dadka Somaliland, inaynu u muujino walaalayaal marka ugu horaysa waa inaynu ogsoonaanaa inaynu mar walba diyaar u nahay oo u halgano oo aynaan cidna ka yeelaynin, burburinta iyo is-hortaaga jiritaanka dalka, dawladda iyo qaranimada Somaliland, maanta weerarkaa lagu soo qaaday, iyada oo uu madaxweynaheenii joogo magaalada Laas-caanood oo dalka Somaliland ka mid ah waa mid aynu kuligeen canbaaraynayno oo aynu meel ka wada taganahay in aynu mar walba dafacaada dalka aynu diyaar u nahay, horta waa mide dalkeenu maanta marxalada uu marayo oo caalam koo dhami wada qiraayo oo aynu ogsoonahay oo la inoo ictiraafsanyahay, iyadoo dhulkii Soomaaliya la odhan jiray meel kasta dagaal ka socdo oo dunidu ku dhexjirto, inaguna aynu marayno heerkii aynu caalaamka kale hiigsanaynay ee ahayd inaynu doorashooyin gaadhno, waxaa la damcay in doorashadaa la inaga joojiyo oo halkaa dibu dhac la inagu sameeyo."

Mudane Siilaanyo waxa uu hadalkiisa ku xusay in ujeedada weerarkii Laas-caanood uu ahaa mid ku cadawa heer ka aay Somaliland marayso iyo mid la doonayay in colaad la dhex dhigo dadka reer Somaliland.

Banaanbaxaa shalay waxaa yaguna hadalo ku jihaysan weerarkii Laas-caanood ka soo jeediyay duqa magaalada Hargeysa Axmed Dheere, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Xuseen Cali Xirsi oo ka tirsan ururka UDUB iyo mudane Cali Xasan Sheekhdoon oo ka tirsan golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo halkaa laga tiriyay gabayo iyo heeso ku wajahan wadaninimada.

Dhinaca kale sida uu kusoo waramay Wariyaha HAATUF ee Berbera banaan bax balaadhan oo aay isugu soo baxeen dadweynaha magaalada Berbera ee xarunta gobalka saaxil ayay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta gobalkaasi ayaa shalay ka dhacay khayriyada magaalada Berbera, banaanbaxaas oo lagaga soo horjeeday weerarkii ay dhawaan ku qaadeen magaalada Laas-caanood malayshiyo ka amar qaadata C/laahi Yuusuf.

Banaan baxaas Berbera ee shalay waxaa dadweynihii ka soo qaybgalay hadal uga soo jeediyay gudoomiyaha gobalka Saaxil isla markaana ah duqa magaalada Berbera Maxamed Axmed Xasan (Talaada-Codle) oo sheegay in gobanimada Somaliland aay tahay mid ku timid dhiig iyo halgan sidaas daraadeed aan cidna ku soo xadgubi Karin, dadkeeduna aay heegan u yihiin in ay difacaan dalkooda oo ay naf iyo maalba u huraan.

Gudoomiyaha gobalka Saaxil Maxamed Axmed waxaa kale oo uu hadalkaa uu shalay u jeediyay dadweynaha reer Berbera uu ku canbaareeyay weerarkii aay maleeshiyada ka amar qaadata C/laahi Yuusuf ku soo qaadeen magaalada Laas-caanood oo uu ku tilmaamay gardaro aan geedna loogu soo gaban.

Top


"Somaliland Forum Oo $5000 Ugu Deeqay Guddiga Doorashooyinka"

Ururka Somaliland Forum ayaa ugu deeqay guddiga doorashooyinka somaliland lacag dhan $5000, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ururku noogu soo diray khadka Emailka waxa ay ku taageerayaan doorashooyinka dhawaan dalka ka dhici doona, warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:

"Ururka Somaliland Forum oo beryahan danbe ku hawlanaa ka qayb-qaadashada iyo gacan ka geysashadda doorashooyinka dhowaan dalkeena kusoo fool leh, ayaa waxa ay maanta oo taariikhdu tahay 9ka Diisambar 2002, ku wareejiyeen Koomishanka Doorashooyinka ee Somaliland deeq lacageed oo dhan SHAN KUN OO DOLLAR (US$5000). Ururku wuxuu deeqdaas ugu talo galay in loo isticmaalo, laguna fuliyo soo-dhoweynta iyo qaabilaada Goobjoogayaasha iyo suxuufadda dibedda ee doorashooyinka deeganka, kuwaas oo markhaati ka noqandoona xornimadda iyo cadaaladda ay, Insha'Allah, u dhicidoonaan doorashooyinku 15ka Bisha Diisambar,. 

Sidii aanu hore usoo sheegnay, waxa aanu aaminsanahay in waajib saaran muwaadin walba oo reer Somaliland ay tahay ka qaybqaadashadda iyo u codeynta doorashooyinkaa inagu soo foolka leh. Waxa sidoo kale geed ka go'an ah oo muwaadin walba oo reer Somaliland ah waajib ka saaran yahay sugida Nabadgelyadda aynu kusoo caano maalnay, qayrkeena ku dhaafnay. Cadowgeyna isku dayayaa in ay qalaanqal ka abuuraan degmooyinka Somaliland qaarkood ku guuleysnamaayaan oo miidnimidda, qaranimmida iyo dalka JSL waa muqaddas.

Waxaanu aad iyo aad ku hambalyeyneynaa dhammaan ururadda siyaasiga Somaliland iyo Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka heshiisyaddii ay gaadheen sabtidii (5da Diisambar) oo aanu aad ugu faraxnay, hirgalintooduna keenayso doorashooyin xalaal ah. Mahadnaq gaar ahna waxaanu usoo jeedineyna Machadka Nabadda iyo Horumarinta oo gacan weyn ka geystay gaadhista heshiisyadan. 

Waxaanu ku dhiiri gelinaynaa Ururada Siyaasadda, Xukuumadda Somaliland iyo dadka reer Somaliland inay wax walba ka hor mariyaan qaranimadda iyo Nabadgelyadda Somaliland, kana fogaadaan oo iska ilaaliyaan wixii walba ee cadowgeenu ku diirsan karo, qaranimadeenana wax u dhimi karta. Adduunweynahu maanta doorashooyinkenu siday u dhacayaan waa eegayaan, oo, bi'idnilaah, waynu ku gooleysandoona . 

Anagoo hawshii doorashooyinka ku saabsanayd oo dhinacyo badan leh halkayagii ka sii wadayna ayaa waxaanu halkan uga tahniyadeynaynaa Koomishanka Qaranka ee Doorashooyinka oo hawshii balaadhnayd ee lagu aaminay ilaa iminka si fiican u wada. 

Somaliland Forum

Gudoomiyaha: Ibrahim Hashi Jama, E-mail: i.jama@btinternet.com ; Fax: 44 709 233 4579. www.somalilandforum.com; iyo www.somalilandelections.com

Top


Munaasabad Lagu Taageeraayo Dimoqraadiyadda Somaliland Oo Lagu Qabtay Dalka Holland

Utrecht - Munaasabad balaadhan oo si fiican loo agaasimay ayaa lagu qabtay habeenimadii sabtida ee bishu ahayd 07 desember 2002 magaalada Utrecht ee dalka Holland. Munaasabadan waxaa soo qaban qaabiyey ururka dhalinyarada Nomad ee Jaaliyadda Somaliland ee dalka Holland.

Munaasadan oo loogu magac daray Safe Democracy in Somaliland( Badbaadinta Dimoqraadiyadda Somaliland), waxaa jaaliyadda Holland ku taageerayeen doorashada soo socota, waxaana lacag loogu ururinaayey doorashada dhawaan ka dhici doonta Somaliland taasoo jawaab u ah codsi ay hore guddida qaban qaabadda doorashadu ugu soo jeediyeen Jaaliyadaha Somaliland ee dibadda ku dhaqan. 

Xafladan oo ay kasoo qayb galeen dadweyne tiro badan oo ka kala socda qaybaha bulshada kana kala yimid degaanno kala duwan. Waxaa markii ugu horraysay lagu furay aayado quraana. Xafladda oo uu xidhiidhinaayey Ismacil Cawl wuxuu qaddar hordhac ah ka baxshay habsami socodka barnaamijka xafladda. Dabadeedna wuxuu mikrifoonka kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha ururka Nomad mudane Ciid Xasan Muuse. Mr. Ciid wuxuu ka warramay ujeedada munaasabadda oo uu sheegay inay tahay xaflad laba ujeedo leh oo ta hore tahay dabbaal degga ciidda Ramadan oo ay habboontahay in madal ku kulmaan jaaliyadda reer Somaliland si ay uwadaagaan farxadda munaasabadaas.

Iyo ta labaad oo ah taageeridda dimoqraadiyadda Somaliland. Mudane Ciid waxaa kaloo sheegay " xafladani maaha xaflad ciideed oo qudha ee waa xaflad dhambaal culus xambaarsan oo aynu ku muujinayno hadafka maanta ku midawnay ee ah goonni isutaagga iyo horumarinta Somaliland. Waa xaflad aynu dhiirigelinayno oo aynu guntiga ugu giijinayno guddideena doorooshooyinka iyo dhammaan masuuliyiinteena Muxaafid iyo Mucaaridba."

Mr. Ciid waxaa kaloo sheegay in laga guuraayo nidaamkii beelaysiga ahaa loona hayaansanyahay nidaamka dimoqraadiyadda ee ku dhisan tartanka axsaabta badan taasoo uu sheegay inay habboontahay inay ka qayb qaataan dadka qurbaawiga ah si loo dhiirigeliyo habsami socodka nidaamka Dimoqraadiyadda Somaliland.

Waxaa iyana goob joog ahaa urur samafala oo la yidhaahdo Somaliland-boouwen oo ka hawlgala Somaliland waxaana halkaas ka hadlay Camille Scheepers oo kamid ah masuuliyiinta ururkaas. Mr. Scheepers waxaa uu ka warramay ururkooda iyo hawlaha samafal uu kawado Somaliland waxaanu sheegay in ururkoodu ka caawiyo Somaliland dhinaca beeraha gaar ahaana farsamada qodaalka. Mr. Scheepers wuxuu sheegay oo kale marxalado kala duwan oo ururkoodu soo maray, waxaanu ka codsaday jaaliyadda Somaliland inay ka qayb qaataan dhinaca horumarinta iyo dibudhiska waddankii hooyo. 

Waxaa iyana munaasabadan goob joog ahaa qaarkamid ah ururada siyaasadda Somaliland gaar ahaana UDUB iyo KULMIYE. Labada ururba waxay halkaas kusoo bandhigeen hadafka ururkooda iyo barnaamijkooda siyaasadeed. Ururka UDUB waxaa u hadlaayey Mr. Dahir Farax oo ah xoghayaha faraca UDUB ee waddamada Benulux, halka Xisbiga Kulmiyena uu u hadlaayey Mr. Farxaan Moxamed Cumar oo kamid ah masuuliyiinta Kulmiye ee dalka Holland. Waxaana masuuliyiinta labada ururba dhiirigeliyeen in jaaliyadaha dibaddu gacan ka gaysteen oo taageeraan si ay dalka uga dhacdo doorasho xor oo xalaal ahi.

Xafladan waxaa muusik iyo heeso jaaliyadda ka haqab tiray fannaaniinta reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Holland. Fannaaniintan oo aan wax lacag ah qaadan, waxay codkooda iyo muusigooda ugu tabarucay dalkooda hooyo. Fannaaninta waxaa kamid ah Nuuradiin Jamac Aden iyo Moxamud Xuseen "Halwad", halka Cabdi Cali Caddaani oo ka taageerayey dhinaca farsamada. Dadkii kasoo qayb galay xafladda oo u badnaa dad dhalinyaro ah oo dadoodu ka yartahay 30 jir, waxaa wajigooda ka muuqatay farxad iyo rayn rayn. Waxaana dhalinyaradaasi halkaas ku soo bandhigeen ciyaaraha reer galbeedka ama qoobka ciyaarka loo yaqaan. Masuuliyiintii Nomad ee xafladda qaban qaabisay waxaanay ii sheegeen in munaasabaddu u dhacday sidii loogu talogalay mustaqbalkana la rajaynaayo in la qabto kuwo la mid ah.

Ugu danbayna Jaaliyadda Somaliland ee Holland waxay bulshada reer Somaliland ee jooga daafaha dunida leeyihiin ciid mubaarik, waxaanay dhiirigelinayaan in laga qayb qaato doorashada soo socota. Tasoo dadka dalkii joogaana ay dhiibtaan codkooda , dadka qurbaawiga ahina ay codkooda ku dhiibtaan hanti ay ku taageeraan guddida qaban qaabinaysa doorashada si aan u gaadhno yoolka aan hiigsanayno. 

Cabdi Cabdillahi Xasan (Mataan), Holland

Somaliland Era News group

Top


waanu ka xunahay weerarka ka dhacay laas-caanood

Anagoo ah jaaliyada somaliland ee joogta dalka yaman waxa amakaag nagu noqotay warkii uu bbcdu sheegtay ee sheegayay in dagaal uu ka dhacay magaalada laas caanood caasimada gobolka sool kaas oo u dhexeeyaya meeliishiyo taageersan cabdilaahi yuusuf iyo ciidamada somaliland ee jooga magaaladaa dagaalkaas oo ka dhacay ka dib markii madaxwaynaha somaliland mr.Rayaale uu booqasho halkaa ku tagay hadaba hadii aan kala furfurno dhacdadaa waxaa nooga soo baxaya natiijooyin badan oo nagu kalmin karta sidii aan u dawayn lahayn falkaa.

mr. Rayaale waxay booqashadiisu imanaysaa ka dib markay halkaa tageen duqay iyo salaadiin reer somaliland ah oo dhexdhexaadinayaay jilibyo reer sool ah siyaasadna halka kamay madhnayn salaadiintaasi waxay baaq u soo gudbiyeen in ay maamulkeeda ku fidiso sool iyo gobolada bari guud ahaan dad badan ayaa u arkaya inay booqashada madaxwaynuhu ay ku timi taladiii duqaydaa ay kula taliyeen inuu tago laascaanood. hadaba waxaa la yaab leh inay BBC-du waraysatay mid ka mid garaadada beesha sool kaasoo inkiray inuu war ka ogaa booqashada madaxwaynaha Rayaale waxaa soo gaadhayayna ay ahaayeen uun hadal ku soo dhacdhacayaay walaahi cajiib oo miyuuna madaxwaynuhu la tashan garaadada beesha sool sidii looga soo dhawayn lahaa laascaanood halkaa waxan ka ogaanaynaa inay laba ixtimaal jiraan ama in uu madaxwaynuhu uu tagay laascaanood isagoona la tashan duqayda jooga hargaysa ee u dhashay sool iyo kuwa joogaba laascaanood taasina run ahaantii waa talaabo aan la yaabsanahay waxa keenay maxaa dhacay dadkan ayaa warka xogogaalka ka haya dadkooda.

arinta labaad waa inuu madaxwaynuhu si buuxda uu ula tashaday dadkaa oo ay kula taliyeen inuu tago laas caanood kuwaasoo ogaa wuxuu kala kulmayo taasna iyagaa og waxay ula jeedeen.

waxaan kaloo la yaabsanahay miyuuna madaxwaynuhu wadan ciidamo ka hor iman kara meeliishiyadan reer garawe balse maxay booqashada madaxwaynuhu u noqon wayday marka laascaanood laga sifeeyo dadka u ololeeya puntland waxay ahayd in horta la diro mr.qaybe iyo wasiirada u dhashay sool siday ugu gogol xadhaan booqashada madaxwaynaha.

run ahaantii dadku aad iyo aad ayay uga xumaayeen siday dawladu uga gaabisay inay wax ka qabato soohdimaha somaliland gaar ahaana kuwa baridhacdadan danbe waxay noqotay tii rasaasada naxariista ku dhufatay sumcada xukuumada hadana waxaan anigu qabaa in talaabo laga qaato dhacdadaa oonan loo ogolaanin shuftada ka jirta gobolada bari ee soomaaliya inay siyaasi ahaan ka faaiidaystaan dhacdadan oo ay sheegtaan in ay leeyihiin sool iyo sanaag ta labaad garaadada beeshaaas waa inay go'aan cad qaataan inay la jiraan somaliland hadii kale loola macaamilo inay yihiin col ka soo horjeeda somaliland waa in soohdimaha somaliland la geeyaa ciidanka qaranka ee somaliland dhiig kasta haku daatee hadii ay reer puntland ay colaada jecelyihiina waa in dagaalku uuna ku ekaan sodimaha sool iyo sanaag waa in la gaadhsiiyaa ilaa garawe iyo boosaaso waa in si kasta looga shaqeeyaa sidii laaga dhisi lahaa sool maamul daacad u ah somaliland

wakhtigan aan hada joogno ooy wakhti yar ka dhiman tahay doorashooyinku waa in dalka laga ilaaliyaa qalalaasahaa balse haday dad col ah taa diidayaan waa inay noqotaaa aniga iyo colkayguba dabku hana qaato

Cismaan Obsiiye (Yemen)

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 42aad

Waraysigii Mingistu

Ganat: Bal waxaad wax iiga sheegtaa xubnihii dhergiga ?

Mingistu: Markii hore ee bilowgii xubnihii guddiyada ahaa ee shirarkii abaabulka ka soo qayb galay waxay tiradoodu ahayd 170 xubnood, laakiin markii aniga lay doortay ka dib waxa lagu yidhi raggii shirka ka soo qayb galay nin waliba warqadii lagu soo wakiishay ha keeno, balse ragga qaarkood iyadoo aanay cidiba soo wakiilan ayey shirka ka soo qayb galeen, sidaa darteed intii aan haysan waraaqihii lagu soo wakiishay inta la canaantay ayaa la eryey, markaa intayadii soo hadhay waxaanu noqonay 120 xubnood, intaas ayey ahayd tiradii saxda ahayd ee aasaaskii golaha dhergiga.

Ragaas oo dhami waxay u guntadeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhaqdhaqaaqyadii dalka ka socday. Ninka la yidhaahdo Adnaafu xarakaadkii ka jiray magaalada Adis-ababa gacan weyn buu ku lahaa , isaga markii uu qaraxii kacaanku soo dhowaa wax ka baran jiray jaamacado Adis-ababa ku taal oo laga barto sharciga diblomaasiyadda, sidaa darteed abaal-gudkii la siiyey waxa uu ahaa mid uu u qalmo,. Sidoo kale hawl-galadii ay ciidanku ka wadeen dhinaca Ereteriya nimankii hawl-galkaa isku dubaridayey waxa ka mid ahaa Nasiibuu iyo qaar kale, sidoo kale ninka la yidhaahdo Fisaha Dasta kacaanka ka hor waxa uu ahaa nin aan siyaasadda ku jirin, laakiin markii dambe waxa uu ahaa nin kaalin weyn ka qaatay oo aanay cidina ka badsan hawl-galadii dhaqdhaqaaqa, isla markaana Fisaha Dasta waxa uu ahaa ninkii wejigayga farxadda ku abuuri jirey ee I dhiiri gelin jiray marka ay arimuhu kululaadaan ee ay xaaladdu adkaato, isaga oo hadalo yar yar oo goolaaftn ah ii odhan jiray. 

Ninka la yidhaahdo gaashaanle Asraat Dastaa waxa uu ahaa nin suxufinimada dalka Maraykanka ku soo bartay, wuxuuna ahaa nin aad iyo aad u fud-fudud oo abaabul badan, sidoo kale ninka la yidhaahdo Saadaw Sakaariyas waxa uu ahaa ninkii magaca Dhergi bixiyey.

Dhawr bilood ka hor intii aanu boqorku xukunka ka degin qolada maamulka ku jirtaa waxay niman ad-adag oo halis ah, waayo imisa goor ayey xadhig noo maleegeen oo ay ku talo galeen inay na baabi’iyaan. Ninka la yidhaahdo Liij Indhaalshaw (Wasiir) waxa uu ku talo galay inaanaan ku shirin xerada guutada afraad, taas oo uu doonayey inuu shirkayaga baabi’iyo. Waxaanu samanay toddoba xubnood oo ay ku jiraan xubno guddiga sare ee dhergiga ah, kuwaas oo ka qayb geli jiray shirka golaha wasiirada, laakiin qolada maamulku geeska ayey nagu feedheen, sidaa darteed waxaanu maqalay iyaga oo leh hadalo ay ka mid yihiin "Halka labada dawladood laga yahay maxaa xal kale loo raadin waayey". Tusaale ahaan nin ahaa boolis-milateriga oo la odhan jiray gaashaanle Tajaane oo ahaa Indhaalshaw qoyskooda iyo mid kale oo isna la odhan jiray Basaabih oo tigree ahaa iyo weliba mid kale oo ciidanka dhulka ahaa oo la odhan jiray Laba Alifle Shafaraw iyo nin kale oo ilaalada boqorka taliye u ahaa oo la odhan jiray Kornayl Daasaw Moojo iyo qaar kale waxay dhammaantood ahaayeen kuwii nala dagaalamayey ee u ordayey inay na laayaan., maalintii dambe ayuu nin la odhan jiray Xaylu Yaadesa u yimi ninka la yidhaahdo Naadaw Sakaariyas, wuxuuna ku yidhi "Ninka la yidhaahdo Mingistu Xayle Mariam maanta meelahan ka fogeeya oo hays ilaaliyo", dabadeedna markii aanu warkaa maqalay ayaanu xerada guutada afraad galay oo aanu isku xidhnay meel.

Ganat: Markii ay waxaas oo dhami dhacayeen boqorku muxuu odhan jiray ?

Mingistu: Boqorku markii dadkaas oo dhan la xidhxidhayey mar qudha kama uu hadlin, waxayna u ekayd saraakiisha xidhxidhan arintooda inay boqorka iyo Indhaalshaw wax iskaga ogaayeen oo ay isla afgarteen, waayo labadoodu waxay gaadheen go’aan odhanaya shicibka su’aalahooda ayuun baynu fulinaynaa, ta kale siyaasadda Indhaalshaw ee ku waajahan dhinaca saraakiisha sarsare ee hore ula soo shaqayn jiray maamulka waxay ahayd oo hal-kudhegiisu ahaa "Nimankani waqtigii ay kalsoonida lahaayeen ee ay maamulka la soo shaqaynayeen way soo dhamaysteen, wayna soo faa’iidaysteen, laakiin hadda waqtigu wuu soo tufay, sidaa darteed si aanu u badbaadino boqortooyada, anaguna aanu kurisga u sii joogno maadaama ay dadku naceen ma badbaadin karno iyaga, sidaa darteed waa inay agteena ka tagaan" sidaa ayey ahayd siyaasadda Indhaalshaw, boqorkuna sidaa wuu ku raacsanaa. Laakiin boqorku qoladii saraakiisha ahayd ee ku dhowdhowayd ee ay gacan-yarayaashiisu ka mid ahaayeen markii la qabqabanayey dareen buu ka muujiyey, waayo kuwaa waxaanu go’aaminay in la xidhxidho, ka dibna waxa la dhigay jeelka, balse boqorka markii la xidhay inankii ay gabadhiisu dhashay Riir Admiiral Iskandar ee janaral Asfaa diiday in loo galo, boqorku wuxuu yidhi "Meeyey halkee buu tegay, maxaad u qaadaysaan, maxaad leedihiin buu geystay, waa inaad daysaan, hadii kale anagana na xidha" ayuu yidhi, isaga oo ka cadhaysan xadhiga wiilka inantiisu dhashay, ka dibna askartii madaxtooyada ayaanu ku nidhi isaga iska daaya, dabadeedna dib ayaa loo celiyey, basle markii uu habeenkii joogay ee uu is yidhi dhulku waa nabad ayey aroornimadii ciidanka Asluubtu soo qabteen oo xidheen, waana loo sheegay boqorka in hadana la xidhay.

Boqorku maalintii uu kurisga ka degay , waxa qoraal uu ururka dhergigu soo diyaariyey qaaday koox uu madax ka yahay Dabalaa Dinsa, waxaana loo sheegay inuu xukunka ka dego. Dabadeedna habeenimadii oo dhan sidii loo ilaalinayey qasriga boqortooyada ayey ciidamadu subaxnimadii ku waaberiisteen meelo ay ka mid yihiin, wasaaradda arimaha debedda, Hilton Huteel, agagaarka madaxtooyada iyo meelo kale, waxaana meelahaa lagu wareejiyey taangiyo iyo ciidamo kuwa lugta ah, isla markaana aad baa loo adkeeyey ilaalinta madaxtooyada iyo goobaha muhimka ah oo dhan, anigu markaa waxaan ka mid ahaa qolada wax walba ansixinaysa, laakiin maamulka magaalada iyo ilaalinteedaba waxa qaabilsanaa janaraal Amaane iyo Gabra Kidaan, ka dibna inta ay is raaceen ayey habeenkii oo dhan wareegayeen ilaa waagu ka beryey, iyaga ayaana qaabilsan hawl-galka la xidhiidha ka hortagga wixii had-ba soo kordha.

Markii uu boqorka xilka dhigay ee uu ka soo baxayey madaxtooyada dadkii isu soo ururay ee boqorka ku lahaa "Tuuga, tuuga", may ahayn dad ay golaha dhergigu soo abaabuleen oo ay ogaan u soo ururiyee, sidaa darteed dadka yidhaahda ogaan bay Dhergigu dadkaa u soo ururiyeen si ay boqorku u caayaan, taasi waa wax been ah oo runta ka fog., laakiin way jirtay inay dadku isu soo urureen, iyadoo aad moodo in ogaysiis loogu yeedhay, waxayna ku dhawaaqayeen "Tuug, tuug", basle dadkaasi may ahayn dad aanu anagu soo ururinay, laakiin maadaama ay xaaladdu ahayd mid dareen leh, isla markaana ay waqti walba wax dhici jireen dadku goor walb idaacadda ayey dhegaysan jireen oo ku hoos nabnaan jireen, sidaa darteed maalintaa habeenimadeedii waxa soo gelayey ciidii "UNQUDAADASH", waxaanuna telefishinka ka sii daynay cajalad ka hadlaysa abaarihii ka dhacay gobolka WALO, sidaa darteed dadka dhegta ayaa taagnayd, waxaana la is lahaa wax baa dhici doona, markaa dad is lahaa wax baa dhici doona ama laga yaabo inay war heleen ayaan u malaynayaa inay ahaayeen dadkii madaxtooyada horteeda isugu yimi ee boqorku ku qaylinayey...
La soco cadadka dambe...

Top


Xuska maalinta xuquuuqda adduunka

Hargeysa (Haatuf): Maanta waxa dunida oo dhan looga dabaal-degayaa maalinta xuquuqda aadamaha oo sannad-kasta la xuso tobanka Diisambar. 

Ururka xuquuqda aadamaha Somaliland ee la yidhaahdo Samotalis ayaa shalay soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo maalinta xuquuqda aadamaha, iyadoo dhinaca kalena ay ururada xuquuqda aadamuhu ku hawlan yihii dhaqdhaqaaqyo ay ugu dabaal-degayaan xuska maalinta xuquuqda aadamaha.

War-saxaafadeedka ay soo saareen ururka xuquuqda aadamaha Samotalis oo uu ku saxeexna ninka dhinaca war-faafinta u qaabilsan, Caraale Maxamuud Jaamac waxay ku sheegeen inuu hal-kudhegga sannadku yahay " Fursadda ugu wanaagsan ee ka hortagga meelkadhaca xuquuqda aadamaha, waxa sal u ah, xal u helidda shaqaaqooyinka iyo difaaca sharciga iyo qawaaniinta , taas oo muujinaysa muhimadda ay leedahay dhawrista nabadgelyadu, wuxuuna ururka Samotalis halkudhegiisa la mataaneeyey halkudhegga guddiga xuquuqda aadamaha ee jimciyadda qaramada midoobay". 

Ururka xuquuqda aadamaha Samotalis waxa kale oo uu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi "Ururka Samotalis, isaga oo ka duulaya Ahmiyadda iyo qiimaha ay leedahay maalintani waxa uu shacbiga Somaliland iyo shucuubta caalamka u rajaynayaa nabadgelyo iyo xasilooni waarta, isla markaana waxa uu bulshada Somaliland ugu baaqayaa inay adkeeyaan nabadgelyada, iyadoo ay doorashooyinku ka mid yihiin tiirarka ugu muhimsan ee xuquuqda aadamaha, sidaa darteed ururka Samotalis wuxuu soo dhowaynayaa xaqa uu qof kastaa u leeyahay inuu dhiibto codkiisa, iyadoo ay hubaal tahay hadii aanay nabadgelyo jirin inaanay taasi suurta gelayn".

Ururka Samotalis waxa kale oo ay yidhaahdeen "Ururka Samotalis isaga oo ka Shidaal qaadanaya halkudhegga kor ku xusan wuxuu canbaaraynayaa falkii argagixiso ee 7-dii Diisambar lagula kacay madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisii, iyaga oo booqasho ku jooga laascaanood, weerarkaas oo waxyeelo loogu geystay dad maato ahoo isugu jira dumar, caruur iyo dad waayeel ah, isla markaana khal-khal iyo cabsi ku abuuray bulshada ku dhaqan gobolkaa".

Ugu dambayn ururka Samotalis waxa uu ku baaqay in la ilaaliyo nabadgelyada, wuxuuna ka digayaa falkasta oo wax u dhimaya nabadda.

Dhinaca kalena xoghayaha guud ee qaramad midoobay Kovi Anan ayaa ka hadlay munaasibadda xuquuqda aadamaha, wuxuuna dunida ugu baaqay in la ilaaliyo xuquuqda aadamaha.

Top


Xaaladda Laas-caanood

Laas-caanood (Haatuf): Dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa 5 qof ayaa dhintay, inka badan dhawr iyo toban qof oo kalena waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii uu baabuur tikniko ah oo ay leeyihiin ciidamo ka socda maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf oo shalay magaalada so galay jiidhay bakhaar ganacsi oo lagu xoonsan yahay, taas oo uu baabuurkaa tiknikada ahi si weyn ugu gal-gashay bakhaarkii iyo dadkii ku xoonsanaa, halkaana ugu geystay dhibaato weyn.

Abaaro 1:30 duhurnimo ayey magaalada Laascaanood soo galeen kolonyo baabuur tikniko ah oo ka yimi dhinaca xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe, baabuurtaas oo ay ku rikabban yihiin qoryaha cul-culus ee darran-dooriga u dhacaa waxa tiradooda lagu sheegay ilaa 6 baabuur oo ay weheliyaan cutubyo ciidan ah oo hubaysani, waxaana ciidamadaa horkacayey wasiirka daakhiliga ee maamul-goboleedka Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade. Hase yeeshee sida ay sheegeen dad kala duwan oo aanu la xidhiidhnay iyaga oo jooga gudaha magaalada Laascaanood kolonyada tiknikada ah ee ay wateen ciidamada maamul-goboleedka Puntland markii ugu horaysay ee ay soo galeen suuqa magaalada ayey shilkan dhimashada iyo dhaawaca geystay geysteen, ka dib markii uu baabuur weyn oo qori ku rakibban yahay si kedis ah u jiidhay bakhaar weyn oo ay dadku aad ugu xoonsan yihiin oo ku yaal badhtamaha magaalada, halkaas oo ilaa hadda inta la hubo ay ku dhinteen shan qof, halka ay ilaa dhawr iyo toban qof oo kalena ku dhaawacmeen, iyadoo ay dadka halkaa ku dhintay yihiin dad shicib ah.

Ciidamada uu hogaaminayo wasiirka daakhiliga maamul-goboleedka Puntland, Axmed Cabdi Xaabsade waxay degeen gurigii la dejiyey weftigii madaxweyne Rayaale oo ku yaal xaafadaha dhinaca koonfureed ee magaalada Lascaanood ilaa haddana wax hadal ahi kama soo bixin ninka ciidanka hogaaminaya Axmed Cabdi Xaabsade, isla markaana sida ay sheegeen ehliyadda dadkii halkaa ku dhintay ama ku dhaawacmay wax jawaab ah kama ay helin ninka hogaaminaya ciidamada dhibaatada geystay. "Cid wada hadashay ma jirto dadkuna aaskii iyo kala gurkii dhaawaca ayuu ku mashquulsanaa, ninka ciidankiisu dhibaatada geystayna cidna lama hadlin", sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dhawr qof oo aanu la xidhiidhnay iyaga oo jooga Laascaanood.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen inay ciidamo kale oo Puntland ahi ay ku soo fool leeyihiin magaalada Laascaanood, kuwaas oo ka soo jeeda dhinaca Garoowe waxa lagu waday inay xalay ku soo hoydaan Laascaanood, iyadoo ay wararku leeyihiin ciidamada uu hogaaminayey Axmed Cabdi Xaabsade ee maalin-badhkii soo gaadhay magaalada waxay hordhac u ahaayeen ciidamo kale oo intaa ka badan oo ku soo aaddan gobolka Sool si ay halkaa awood adag ugu yeeshaan. Hase yeeshee ciidamada badan ee ku siyaadiyey magaalada laascaanood waxay walaac weyn geliyeen dadweynaha halkaa ku dhaqan, kuwaas oo werwer ka qaba inay meesha ka dhacaan iska hor-imaadyo milateriga, iyadoo ay dhinaca dawladda Somaliland-na laga filayo inay taa jawaab ka bixiso, taasina keento iska hor-imaad milateri oo dhex-mara maamul-goboleedka Puntland iyo dawladda Somaliland. 

Culayska ciidan ee ku soo kordhay magaalada Laascaanood waxay keentay dareen didmo leh oo soo food saaray dadweynaha reer Laascaanood, waxayna wararku sheegeen inay dadka qaar ka baxeen magaalada iyaga oo ka cabsi qaba in la isku dhex-qabsado, sidoo kalena dadka magaalada ku dhaqani aad bay uga werwersan yihiin xaaladda, waxaana dareenka dadka ka muuqda sansaan ay kaga diyaar garoobayaan iska hor-imaad milateri oo magaaladooda ka dhaca, kuna khasba inay qaxaan.

Dhinaca kalena ciidamo xoog leh oo ka tirsan ciidanka Qaranka dawladda Somaliland ayaa lagu ururiyey degaanka tuullada Oog oo ka tirsan gobolka Sool, ciidamadaasna inkasta oo aanay dawladda Somaliland wax war ah ka soo saarin waxay dad badani aaminsan yihiin inay heeggan u yihiin sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf ee qabsaday gobolka Sool.

Ciidamadan cusub ee uu maamul-goboleedka C/laahi yuusuf keenay magaalada laascaanood waxay laba maalmood ka dambaysay markii sabtidii toddobaadkan madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku jooga Laascaanood ay weerar lama filaan ah la beegsadeen ciidamo tikniko wata oo ka soo duulay magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland, halkaasna uu ka dhacay dagaal dhimasho iyo dhaawac-ba geystay, isla markaana sababay inay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii ka soo firxadaan Laascaanood, iyaga oo dib ugu soo laabtay magaalada Caynaba oo ku taal badhtamaha Burco iyo Laascaanood. 

Golaha salaadiinta oo canbaareeyey weerarkii Laascaanood

Hargeysa (Haatuf): Golaha salaadiinta Somaliland ayaa canbaareeyey weerarkii ay ciidamo ka socda maamul-goboleedka puntland la beegsadeen weftigii uu hogaaminayey madaxweyne Rayaale sabtidii toddobaadkan, iyaga oo booqasho ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Bayaan qoraal ah oo saxaafadda loogu talo galay oo ay salaadiintani xalay na soo gaadhsiiyeen waxay ku sheegeen inay canbaaraynayaan weerarka, isla markaana ay madaxweynaha iyo weftigiisa iyo dadkii ay waxyeeladu ku soo gaadhay weerarkaa uga tacsiyadaynayaan dhibaatada ka soo gaadhay weerarka ay ku soo qaadeen ciidamada Puntland. Qoraalkaasina waxa uu u qornaa sidan:

"Golaha salaadiinta Somaliland waxa uu si kulul u canbaaraynayaa weerarkii foosha xumaa ee laga soo abaabulay magaalada Garoowe, ayna ka dambeeyeen C/laahi Yuusuf iyo kooxdiisu, iyaga oo ku soo xad-gudbay xuduudka Somaliland, weerarkaas oo ay la beegsadeen booshadii uu madaxweynuhu ku joogay magaalo-madaxda gobolka Sool ee Laascaanood waxay ujeedadiisu ahayd waxyeelaynta nabadgelyada kaa taaba qaaday Somaliland iyo isku duubnidda shacbigeeda. Sidaa darteed waxa uu golaha salaadiintu uga tacsiyadaynayaa madaxweynaha, madaxweyne-kuxigeenka iyo ummadda reer Somaliland, gaar ahaan walaalahayaga reer Laascaanood wixii dhibaato ah ee ka soo gaadhay weerarkii qaawanaa, hadii ay tahay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed-ba. Sidoo kale golaha salaadiintu waxa uu u soo jeedinayaa Qaranka Somaliland, dawladda iyo shacabkaba in iyaga oo isku duubban ay ilaashadaan wadankooda, nabadgelyadooda iyo midnimadooda soo jireenka ah"ayey ku soo xidheen qoraalkooda.

Top


Degmooyinka Gebilay iyo Baki

Gebilay (Haatuf):Wefti ka kooban labada Maayar ee labada degmo ee Gebilay iyo Baki (Abiib Xasan Fil-fil & Idiris Faarax Rooble) iyo guddi ka socda wasaaradda arimaha gudaha Somaliland ayaa shalay socdaal hawleed ugu kicitimay xuduudaha lagu muransan yahay ee labadaa degmo, iyadoo ay labadaa degmo ka kala tirsan yihiin gobolka Hargeysa (Gebilay) iyo gobolka Awdal (Baki). Laakiin weriyaha Haatuf ee degmada Gebilay, Maxamed Xasan ayaa intii aanay weftigaasi ka bixitimin magaalada Gebilay oo ay isugu yimaadeen maayarka Baki, Idiris Faarax Rooble wax ka waydiiyey ujeedada hawl-galkooda iyo wax ay soo qabanayaan. wuxuuna yidhi "Waxa noo yeedhay guddi ay wasaaradda arimaha guduhu u xil-saartay goobaha cod-bixinta ee ay isku khilaafsan yihiin labada degmo, waxaanuna ahmiyadda weyn siinaynaa sidii ay doorashadu si nabadgelyo ah ugu dhici lahayd, laakiin inkasta oo ay go’aanka iska leedahay guddiga wasaaradda arimaha guduhu, basle anagu waxaanu tilmaamaynaa oo aanu sheegaynaa in lagu dhaqmo shuruudihii ku dhignaa xeerka doorashooyinka, xeerkaas oo qeexaya xuduudaha degmooyinka dalka oo dhan".

Dhinaca kalena maayarka degmada Baki waxa uu sheegay inay degmadiisa ku habsadeen xanuuno ka dhashay kaneeco dadka cuntay beryo hore iyo abaaro, taas oo uu sheegay inay dhibaato weyn soo gaadhsiisay dadka iyo xoolahaba, wuxuuna ku baaqay in loo fidiyo gurmad aadaminimo. "Meelaha xanuunku ku habsaday waxa u badan soonaha Cali-xaydh, umana hayno daawooyin aanu kula dagaalano, cusbataalna waxa noogu dhow Boorame"ayuu yidhi maayarka Baki.

Top


Baaxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Q: 21aad - Sheeko taxane ah - waxa qoray Cumar D. Cumar (Japan)

Baxnaan wuxuu isku dayay inaan codka hadalka Qaali kor u kicin si aan arrintu u gaadhin cid kale, maalintaa Baxnaan muu haleelin cid kale ee wuxuu ku mashquulay sidii uu u dejin lahaa Qaali oo aad u xanaaqsan, marka uu Baxnaan niyadiisa dib ugu noqdana arrinta ay ku doodayso Qaali waa arrin jirta, Baxnaan wuxuu hoos ahaan naftiisa ugu sheegay in caqligiisu si fiican aanu u fakarin habeenkii ugu horeeysay ee ay Qaali ku kulmeen albeergo ku taala Gebiley oo ay kooxdooda fanaaniinta ahi ay riwaayad geeyeen, jawiga maanta ee ku xeeran Baxnaan iyo Qaali ma aha mid leh dhaldhalaalkii iyo dhoola cadayntii habeenkii ay arrintan maanta taagan sababteedu dhex martay Baxnaan iyo Qaali , codkii dabacsanaa, jajabnaantii, raali galintii, soo dhaweyntii fara badnayd, ee uu Baxnaan Qaali kala kulmi jiray maanta ma muuqato, Qaali waxay ku hufaysaa Baxnaan ereyo, ereyba ereyga kale ka kulul yahay, wajigeedana waxaa ka muuqata cadho, sidii qof aan dhawr habeen seexan, Baxnaan waxaa hortaala maahmaahda ah "intaanad falin ka fiirso" dariiqa qudha ee u banaani waa inuu fuliyo waxa ay Qaali doonayso oo ah inuu guursado, Baxnaan wuxuu rumaysanyahay in gar loogu leeyahay arrintan, waxaase uu werwer weyni ka haystaa sida arrintaasi ay u saamayn doonto xaaskiisa hore ee bilan oo ku leh qadarin qalbigiisa oo uu u arko in arrintan ay u arki doonto nin ku wacad furay, Qaali waxay u dhiibtay Baxnaan go’aan adag oo ah in aanu meel u dhaqaaqi karin ilaa uu arrinteeda dhameeyo, hadduu u dhaqaaqana in ay gurigiisa ugu iman doonto oo ay arrintu gaadhi doonto bilan, markii ay arrintu muddo cakirnayd ee ay hadalada isku celceliyeen ayay arrintii dhexgashay inan ay guriga wada degenaayeen Qaali oo la yidhaa Raxma waxaanay ku dhexdhexaadisay in ay iyadu u yeedho sheekha oo arrinta halkaa lagu dhameeyo, Baxnaan ayaa yidhi "adeer arrintu ma mid sidaa u fudud ee in loo soo diyaar garoobo ayay u baahantahay", haba odhan lahaydaa markii ereyadaasi ay ka soo baxeen Baxnaan ayay Qaali oo lalaysa dusha kaga dhacday Baxnaan qaniinyo iyo cidiyaha oo ay ku xagatay ayay isugu dartay, qaylana cirkay ku toshay, dadkii jaarkaa ku soo ururay, Raxma ku kala dhex jirta oo leh naa Qaali xishoo, ceebtaada alle ma asturee, markii ay Raxmi kala furfurtay Qaali iyo Baxnaan oo balaayo ku habsatay garana la’ talaaabadii dambe ee uu qaadi lahaa, ayay Raxmi dibada ugu baxday dadkii soo buuqay iyadoo leh waa nin iyo naagtii, oo yara wada hadlayee waxa kala ma jiraan, iska taga, Baxnaan wuu maqlayaa ereyadan ay Raxmi ku kala kaxaynayso dadka ku soo buuqay, maalmo badan oo uu Baxnaan iska waabiyay Qaali isaga ayaa u muuqday ninka gacanta sare leh, laakiin maanta ma leh adadaygaa oo waxaa uu Baxnaan eeday muraadsigiisii gaabnaa ee dhinaca Qaali habeenkii ay ka dhigeen riwaayada "Qalbi jacayl iyo qiil magaalo", Baxnaan wuxuu dhexdabaalanayaa bad mawjadeedu sidato oo aanu ka bixi karayn ilaa uu yeelo hindisihii ay ku dhexdhexaadisay Raxmi, haddii u fuliyo xataa ma aha barnaamijka Qaali mid ku eg arrintan ee haddii loo yeedho sheekha oo ay arrintu dhamaato, Qaali waxay noqonaysaa xaaskii 2aad ee Baxnaan waxaanay xaq ugu leedahay in baro iyo biil-ba uu siiyo, Raxma oo cabaar debada kaga maqnayd ayaa soo noqotay iyada oo ay la socdaan laba nin oo gashan macawiso sitaan cumaamado, Qaali markii ay aragtay labada nin ee la socda Raxma, ayay shalmad hagoogatay oo ay u fadhiisatay si asluub leh oo ka duwan sidii ay markii hore u fadhiday, Raxma ayaa tidhi Baxnaan waakan sheekhii ee arrinta dhamaysta, Qaali ayaa hoosta ka eegtay iyadoo dhaadaysa bal wuxuu ku jawaabo Baxnaan, sheekhii oo aan sugin jawaabta Baxnaan ayaa farta ku fiiqay markii hore Qaali oo yidhi "inanta la meherinayaa ma inantanaa", sheekhu ma oga ama looma sheegin sababta dedejinaysa meherkan, kama muuqdaan Qaali calaamado uu ku garto, Qaali ayaa ku jawaabtay, haa sheekhu dhinicii Baxnaan ayuu u jeestay, ma ninkanaa mehersanayaa, Baxnaan oo ka warqaba jawaab aan haa ahayni haddii ay ka soo baxdo in buuq iyo qaylo halkaa ka dhacdo oo lagu soo ururo ayaa yidhi "Haa ee sheekh ii meheri" markii uu afqaaday labadoodiiba ayuu sheekhu ka codsaday Raxma in loo baahanyahay nin kale si loo buuxiya shuruudaha meherka, Raxmi taasi meel fog kamay doonin ee waxay u yeedhay inan ay jaaryihiin, oo ku soo wargalisay arrintan uu markhaati ka noqonaya, arrintii markii ay dhammaatay oo ay Raxmi sheekhii ambabixisay, ayay Raxmini macasalaamaysay, Baxnaan iyo Qaali , macasalaamayntaas oo ahayd in Raxmi ay saaxiibadeed Qaali oo la guursaday awgeed ay u deyn doonto in iyada iyo ninkeedu ay halkaa u hooydaan, Qaali waa u aroos, laakiin Baxnaan wuxuu rumaysanyahay inuu galay qab oo uu ka soo dhex jeedo dabinkii, waxaase jirta in aanu Baxnaan cidna ku eedayn karin in ay dabinkaas galisay ee uu isagu lugihiisa ku doontay, habeenkaa uu dabinka galay Baxnaan ma aha caawa ee waa habeenkii ay u hoydeen Gebiley ee ay Qaali hilaac iyo hogol roob u ahayd Baxnaan oo uu si fiican u raali galiyay dareenkiisii rabitaanka ee habeenkaasi haddii uu Baxnaan islahaa habeenkaa ka muraadso Qaali.

La soco

Top


Banaan-Bax Lagu Diidan Yahay Weerarkii Laas-Caanood Oo Ka Dhacay Buuhoodle

Buuhoodle (Haatuf) Dadweynaha ku dhaqan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa shalay isugu soo baxay mudaaharaad ballaadhan oo ay kaga soo horjeedaan weerarkii maalintii sabtidii lagu qaaday madaxweynaha iyo wefti uu hogaaminayo oo ku sugnaa magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool. Waxaanay dadweynaha reer Buuhoodle weerarkaa ay Puntland soo qaaday dusha ka saareen ina Xaabsade oo ay ku tilmaameen dagaal ooge ka masuul ah wixii ka dhacay Laas-caanood, isla markaana doonaya inuu qas iyo dhib ka abuuro jiida u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Mudaharaadkaa ay isugu soo baxeen dadweynaha Buuhoodle waxaa hadalo ka jeediyay Gudoomiyaha Buuhoodle C/laahi Axmed Nuur (Subayr), Taliyaha saldhiga 8aad ee Ciidanka Qaranka Bashiir Jaamac Baydan, iyo cuqaal ka tirsan deegaanka Buuhoodle kuwaasoo dhamaantood madaxweynaha iyo weftigiisa uga tacsiyadeeyay shilkaa lama filaanka ah ee ku dhacay, iyaga oo cadeeyay inay tahay mid xaaraan ah oo meel ka dhac weyn ah, ugu dambayntiina waxay balan qaadeen inay ku garab taaganyihiin bulshada reer Somaliland wixii arrinkaa lagaga jawaabayo.

Top


Beel Ka Mid Ah Deegaanka Boorama Oo Kalsoonidii Kala Noqotay UDUB

Boorama (Haatuf) bayaan ay soo saareen madax-dhaqameedyo iyo waxgaradka ka tirsan beesha Reer Dudub oo ka tirsan beelaha reer Boorama ayay ku sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen ururka UDUB ee xukuumada haya. Beeshan oo uu ka soo jeedo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah Gudoomiyaha UDUB waxa ay bayaankooda ku xuseen sababta ay kalsoonida ugala noqdeen UDUB oo ay ku eedeeyeen cadaalad xumo.

Bayaanka ay soo saareen beeshaasi oo uu noo soo diray, Weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar waxay ku yidhaahdeen "shir ay isugu yimaadeen madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka beesha reer Dudub ama deegaanada jifooyinka, qul-ujeed, xariirad, ceel baxay, iyo aroos ceel bishan 4teedii ayaa waxay go’aansadeen inay kalsoonidii iyo taageeradii kala noqdaan ururka UDUB sababo ay ka mid yihiin:

  • cadaalad darro ka dhex jirta ururka, taasoo keentay in musharaxiintii beesha qul-ujeed laga saaray xubnahoodii.

  • Ururka oo aan lahayn wada tashi beesha dhexdeeda ah

  • Wax qabad la’aan

  • Ururka UDUB oo ay ka dhex waayeen dad magac leh oo xalin kara khilaafaadka beesha ama deegaanka dhexdiisa,

Xubnaha bayaankan saxeexay waxaa ka mid ah 

  1. Faarax Xasan Bilaal Duqa Degmada Qul-Ujeed.

  2. Nuur Daahir Hanfi

  3. C/Laahi Xuseen Kaahin

  4. Nasiib X. Bahdoon

  5. Cabdi Meecaad Alaale

  6. Caaqil Meecaad Cawaale

  7. C/Raxmaan Cumar Xaaji

  8. Barkhad Aarayte

  9. Chief Caaqil Waraabe Gasle 

Top


"Waxa La Duudsiyay Xuquuqdii Beesha Sacad Muuse"

Taariikhdu ma duugawdo, hadii dadka qaar is diidsiiyo ama dafiro iyada ayaana dib isu qorta.

Taariikhdan halkan ku xusani waa mid ka marag kacaysa in caasimada gobolka Saaxil ee "Berbera" ay ahayd ilaa weligeed mid ku abtirsata "xadaarad", waxaana hiddo iyo hantiba u lahaa samaynta iyo meel ku oolka caasimadaa iyada ah "magaalo Madaxda gobolka Saaxil" ee Berbera reerka sacad Muuse oo dhaqankoodu ku dheehan yahay, xadaaraddana ka qayb ahayd magaca iyo caanbaxa magaalada Berbera.

Deegaanka Berbera waxa loo qaybsaday:

4 beelood oo kala ah (a)ciise Muuse, (b) habar-jeclo, (c) Sacad Muuse, (d) Muuse cabdalle.

Sacad Muuse qaybtaa wuxuu xaq u lahaa 5 xubnood, hase yeeshee 2 xubnood ayaa laga siiyay, liiskii qarsoodiga ahaa waxaa la dhigay 2dii xubnood ee Sacad Muuse, meel aan ku haboonayna waa laga dhigay oo iska dhexdhexaad ah, arrinkii oo Sidaasi ah, ayuu liiskii la wareegay "M/weyne-xigeenku oo faraha laga geliyay, shaandhayn cusub oo beesha Sacad Muuse ah iska daayoo, tii uu ka tirsanaa liiskeedii ayaa madax iyo minjo loo rogay, labadii Sacad Muusena intuu soo qaaday ayuu raarka dambe ee baabuurka ku Xidhay si aanay si hawl yar deegaanka ugu gelin isaga oo ay ka tahay si aanay beesha Sacad Muuse uga muuqan deegaanka Berbera.

Nin baa yidhi "intaad qalaysay, ana waan qaybinayay", beeshu markay arrinkaa ogaatay, waxaanu ku tashanay in aanu ka baxno xisbiga UDUB oo aanu doorano Xisbi kale oo ay ka sharaxan yihiin 2 nin oo Sacad Muuse ahi, oo aanu soo saarno labadaa nin. Waxaanay soo geli doonaan isaga oo arkaya Madaxweyne-ku-xigeenku Golaha Deegaanka ee Berbera. Waxa uu ka sameeyay M/weyne-xigeenku magaalada Berbera ee faro gelinta liiskaa ah, waa mid geli doonta taariikhda magaalada Berbera noqona doonta lama ilaawaan.

Haddaba, iyada oo mudane Daahir Rayaale Kaahin u hantay xukunkaasi si toosan intii uu hayay xilka, ummaduna kaga raali tahay, waxaa waajib ah in uu ku xigeenkiisuna kaga daydo, ogaadana waxaa uu ku kacay in lagu garanaayo, waxaasi way hor iman doonaan.

Beesha Sacad Muuse waxay degtaa min Hudisa Galbeedkeeda iyo Barigeeda ilaa wagar, waxaanay dadka halkaasi deggan ka noqonayaan 40% iyaga oo halkaasina ka xiddhiidhsan ilaa Berbera ilaa Bullaxaar, waxaana halkaa ku jira ilaa 15,000 sawd.

Axmed Gamuute Diiriye Hargeysa

Top


"Nimaan kuu Furi Doonin Yaanu Kuu Rarin"

Soomaalidu been way sheegtaa beense ma maahmaahdo ayaa horay loo yidhi waxaa ka mid ah maahmaaha Soomaalida taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa, hubsiimo halbaa la siistaa, nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin, siday la wada socono waxaa fooda inagu soo haya doorashooyinkii ay 6 xisbi ee haatan jiraa ugu tartami lahaayeen hogaanka dalka saadaal ama qiyaas laga eegay ra’yiga dadweynaha xisbiga ilaa iyo haatan kaalinta 1aad kaga jira waa HORMOOD waxqabadka muuqda ee ay ilaa haatan la yimaadeen waxaa ka mid ah iyagoo meel isugu keenay oo mideeyay 3 xisbi halka xisbiyada kale uu dhexdooda ka jiro khilaaf baaxad weyn qaarbaaba muran ka taagan yahay liiskii xubnaha deegaanka, qaarna waxaabay isku haystaan cidii u noqon lahayd musharaxa xisbigan waxaa hogaanka u haya rag dhalinyaro ah oo kuwii ugu haboonaa inay hogaan qabtaan waa ragii muddo haatan laga joogo 20 sanadood jeelka uu Afweyne ugu riday daryeel ay u samaynayeen bulshadoodii tabaalaysnayd hadaan wax idiinka sheego ragas waxaa ka mid ah Axmed Muxumed Madar, Maxamed Baaruud, Maxamed X. Muxumed, Barbaraawi, Axmed Xuseen Caabi, kuwaasoo halgankii SNM qayb libaax ka soo qaatay, waxaa kaloo ka mid ah ragan lagu aamini karo maskaxdooda iyo maankooda inay hogaan ku qabtaan Mr.Axmed Sandon Mr. Dube Cali Yare, iyo rag aana halkan ku soo koobi karin magacyadooda, xisbigan oo musharaxa M/weynenimo u taagan yahay halyay Cumar Carte oo si weyn loo yaqaan waxyaabaha uu ilaa haatan inoo balan qaaday ee uu fuliyay waxaa tusaale u ah xayiraad ka qaadidii xoolaheena loo iibgeyn Sucuudiga albaab xidhan waxaa furi kara ninkii sita mafaatiixdiisa, haddii aanu khasab ku jabin oon isaga daalac loo raacin, waa ninka kaliya ee maanta inagu dari kara beesha Caalamka Soomaaliyana hore ugu daray markii ay midowga lahayd waar hooy talo waa intay gacantaada ku jirto, bulshooy ka fiirsada oo codkiina ha la siiyo HORMOOD.

Saadaad Aadan Cismaan 

Hargeysa

Top


Waxaanu Iska Casilnay Musharaxnimadii KULMIYE, Gebiley, Waxaananu Ku Biirnay Ururka UCID

Anaga oo kala ah saddex musharax iyo qasnajigii Tog-wajaale waxaanu ka baxnay xubinimadii aanu kaga midka ahayn ururka KULMIYE markii si khiyaamo ah anaga oo aan ogayn xaga dambe lanagaga qoray liiska musharaxyadaa kow iyo labaatan (21), ee KULMIYE Gebiley, waxaanu ka doorbidnay liiska musharaxyada KULMIYE ee xaga dambe lanaga qoray taageerada ururka Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID oo aanu ku biirnay,
Xasan Ibraahim Warsame
C/Laahi Maxamed Jaamac
C/Laahi Maxamed Xirsi
Axmed Aadan Dhimbiil (Qasnaji)

Top