Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 224 December 15, 2002

Somaliland Forum: Warqad Furan Oo Ku Socota Shacbi-Weynaha Reer Somaliland

Waraaq Furan oo ka Jawaabaysa Khudbaddi u Dambaysay ee Madaxweynuhu Faagaaraha Khayriyadda ka Akhriyay

Wefti Ka UNDP oo booqday Berbera

Waa Hubaal In Dadka Reer Sool Ka Tirsan Yihiin Somaliland

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

"Ma Jrito Meel Uu Reerku Suldaan Ku Doortay"

Berbera: Dhagax-Dhigii Rayaale Iyo Dhiirgelinta Deeq-Bixiyayaasha

Weftigii Rayaale Iyo Weerarkii Kala Kulmay Laascaanood

Urur Suxufiyiin Ah

"Waxaan taageerayaashayda ogaysiinayaa inaan ka tanaasulay musharaxnimadii"

Siday Xeego Ku Noqonaysaa Ilkana Ku Nabad Galayaan

Ahmiyada Doorashooyinka Ee Hanaanka Isbedelka Xukunka



Somaliland Forum: Warqad Furan Oo Ku Socota Shacbi-Weynaha Reer Somaliland

Hargeysa (Haatuf): Ururka Somaliland Forum, ayaa soo saaray Waraaq furan oo ay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka, iyagoo dadweynaha ugubaaqay in ay codbixinta uga qayb-qaataan si haboon, iyagoo ilaalinaya nabadgelyada.

Warqadaas furan oo ay noogu soo gudbiyeen isgaadhsiinta Internet-ka, waxay u qorneed sidan:

"Warqad furan oo ku socota Shacbi-weynaha reer Somaliland, kana socota ururka Somaliland Forum

SLF/EC-08-2002/2003 15.12.2002

Warqad Furan

Dadweynaha Reer Somaliland, Walaalayaal, naga Guddooma Salaanta Islaamka. Salaantaas ka bacdi, Qarannimada Somaliland ee hillaaceedu adduunweynaha meel kasta ka muuqdaa waa mid ku timid rabitaankiinna iyo isku duubnaantiinna, nabadjacaylkiinna iyo nolol wadaagiinna; waa markhaati ma doon inaad cid walba u muujiseen inaynu nahay ummad xor ah oo hanatay gobannimo ay halgan dheer u soo galeen. 

Walaallayaal, maanta waa maalin ka mid ah maalmaha astaanta gaarka ah u yeelan doona Somaliland, maalin aynu adduunweynaha mar kale tusi doonno dhumucda uu leeyahay tiirka weyn ee ay ku taagantahay qarannimada Somaliland inay tahay shacbigeeda gobannimada jecel, waa maalinta 15/12/2002 oo uu qof waliba codkiisa dhiibanayo issaga oo dooranaya xisbigii uu u arko inuu dalkiisa u danaynayo, himiladiisana meel marinayso. 

Annaga oo ah ururka Somaliland Forum, kana kooban qurba joog ku kala nool daafaha adduunyada oo ku bahoobay ilaalinta danaha Somaliland, waxannu walaallayaal idinka codsanaynaa idinkuna dhiirri gelinaynaa;

  1. In qof walba oo idinka mid ahi uu codkiisa dhiibto issaga oo dooranaya xisbiga uu taageersanyahay. 

  2. In qof waliba ilaaliyo xorriyadda qofka kale u leeyahay inuu codkiisa siiyo uruka uu taageersanyahay. 

  3. In aad ilaalisaan nabadgelyada, qof walba oo idinka mid ihina uu ogaado in doorashooyinkani ay qayb libaax ka yihiin hayaanka dheer ee soo dhawaaday ee aynu ugu jirno sugitaanka qarannimadeenna. 

  4. In aad niyadda ku haysataan in doorashooyinkani ay yihiin imtixaan kama danbayn ah oo adduunweynuhu inagu imtaxaamayo bal inaynu nahay dad dimuqradiyad ku dhaqmi kara iyo in kale. Siday u dhacaan iyo wixii ka soo baxaana ay yihiin qaar uu adduunweynuhu inagula xisaabtami doono. 

  5. Cadawga inagu xeerani wuxuu isku dayayaa inuu carsha-carsheeyo doorashooyinka, isaga oo ka xun horumarka uu dalkeennu marayo; taasina waxay ina faraysaa in qof walba oo inaga mid ahi uu xil gaar ah iska saaro sidii uu u hanan lahaa kaalinta kaga soo beegan hawshan. 

Walaallayaal, shalay bay ahayd maalintii aad gacmaha is qabsateen ee aad sida sharafta leh ugu codayseen distoorka qarankeenna; aynu ogaanno in tallaabadan aynu maanta qaadayna ay tahay tii ugu horraysay ee aynu ku hirgelinaynay dimuqraddiyadda uu distoorkeennu ina farayo.

Waxannu ilaahay inooga rajaynaynaa Guul iyo Gobannimo. Waxaanan si aad ah ugu rajo weynahay in Doorashooyinkasi noqdaan kuwii si qurux badan leh u dhaca; iyo in aad noqotaan kuwii Nabadgelyadda wax walba ka hormariya; qaranimadda Somaliland'na u hiiliya.

Guul iyo Gobanimo waarta.... Somaliland dalkeenna. Wabillaahi Tawfiiq. Somaliland Forum"

Top


Waraaq Furan oo ka Jawaabaysa Khudbaddi u Dambaysay ee Madaxweynuhu Faagaaraha Khayriyadda ka Akhriyay

Maxamud Caydiid Lafcanbe

Maalintii Jimchii , khudbaddii uu madaxweyne Rayaale ka akhriyay fagaaraha khayriyadda ayuu ku dhawaaqay in uu xukun deg deg ku soo rogay gobolka Sool oo anay ku jirin degmada Caynaba.

Xukunka deg degga ah: Mudane madaxweyne inkasta oo aanad faahfaahin sida xukunka deg degg ahi uga hirgalayo gobolka Sool, madax iyo mijo madaxaa sareeya. Haddaan gobolka maamul nidaamsaniba ka jirin siday u suruubaysaa in la fuliyo xukun deg degga? Hadduu xalka maamulkaagu noqday in ciidamada Somaliland ee fadhiisinkoodu yahay gobolka Sool inay fuliyaan xukunka deg degga miyaanay arintaasi u ekayn in aad dab olalaya bansiin ku bakhtiinayso.

Weftiggii Salaaddiintu horkacaysay: Weftigii salaaddiinta iyo oday dhaqameedka, guurtida iyo siyaasiyiintaba lahaa ee muddada dheer gobolka Sool ku sugnaa waxaa la wada aaminsanyahay in ay guul ka soo hooyeen hawshii nabadaynta ee ay gobolka Sool ugu kicitimeen. Sida ay war baahinta dalka iyo ta dibaddaba (BBC) ay u sheegeen isla markaasna ay baaq wadajir ah u soo saareen arrintu waxay maraysay is afgarad iyo soo dhawaansho aan hore looga arag garaadada iyo odayaasha reer Sool. Sidaad mudanow madaxweyne aadba khudbaddaadii ku sheegtay in aad waftiga ugu dirtay gobolka Sool in ay maamulka dawladnimo ku baahiyaan gobolka,laakiin hawsha baahinta maamul waxba ugama suura galin ballaamo dambena iyo ku noqod dambe ayay qorshaysteen.Haddaba casuumadda laguu fidiyay in gobolka Sool aad ku booqato miyaanay marnaba kuu muuqan inaanay casuumaddaasi wakhtigeedii aanay joogin oo ay ahayd deg deg.?Waxaan aad u rumaysnnahay in xaaladda gobolka Sool aad ka dharagsanayd. Waxaan aaminsananahay in aad ka warqabtay dhibaatadii lagu sameeyay wasiiradaadii aad u dirtay gobolkaas iyo jid gooyadiiay la kulmeen. Hawshii nabadaynta iyo ballamadii ay ku soo heshiiyeen waftigii Saladdiintu hogaaminaysay iyo garaaddada reer Sool miyaanay imika ahayn sheeko burburtay oo safarkaagii deg degga ahaa khasaaraheeda sababay? 

Somaliland iyo Aqoonsiga inoo yaal iridda: Dad badan ayaa ku qanacsan in Somaliland la aqoonsanayo doorashooyinka marka la wada dhameeyo. Waxaanay dawladaha reer galbeedku aad u danaynnayaan in doorasho xalaal ku dhisani ay dalka ka qabsoonto. Waxaa kale oo xaladda doorasho indho gaar ku eegaya sharikado caalamiya oo doonaya inay Somaliland ku sameeyaan maalgalin. Waxa ay dunida galbeedku markan ay hubinaayaan

  1. Doorasho aan boob ahyn, oo aan dawladda taladahaysa aanay marnaba ku shuban sida caadada u ah dunida seddexaad iyo qaaradda Afrika.

  2. Xasilooni iyo deganaansho joogta ah oo ka wada muuqata dalka oo dhan.

  3. dhammaan dadka reer Somaliland oo lagu bartay muujiyayna sabir , dulqaad, iyo nabad jiitanta oo wakhtigeeda la siiyo. Maalin dhawyd oo an wariye ingriis ah oo BBC da u sheeqeeya ka dhagaystay idaacad ku taal maraykanka oo la yidha (NBR) kadib markuu ka soo noqday Kenya ayaa la waddiiyay shirka Kenya sababta Somaliland looga reebay, waxaanu ku jawaabay in shacabka reer Somaliland ay dawladnimada aad u aaminsanyihiin isla markaasna ay wada ilaashadaan, halka reer Somaliya ay ka yihiin shacab aan cidi xukumi karayn.Wuxuu sheegay in qaramada midoobay oo ceebobay wax qabad la'aanta iyo curyaamin fara badan oo Somaliland ay ku hayeen halka ay bilyanno doolara, ay ku khasaariyeen Somaliya, Somaliland waxaa lagu ixtiraamaya nabadgalyada, iyo kala dambaynta maamul dawladeed ee ay dhisteen dunida oo aan wax gar gaara u fidin, isla haddaana ay dimuqraaddiyad ugu gudbayaan hab beeleed ay hore dalka ku soo dhisteen.

Siyaasadda Dibadda: Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu buug isugu geeyay taariikhdii, heshiisyadii iyo saxeexyadii ingriiska !! Mudane dukmantiyaasha khuseeya Somaliland 1960 ka hor waxa ay yaallaan Libararies ka ingriiska oo dhan, waxaan filaya aqoonsiga Somaliland in laagaga fadhiyay inaad u raadiso hab siyaasad (diblomacy) iyo baratakoolka lagula xidhiidho dalalka caalamka. Mudanow madaxweyne u malaynmaayo taariikh buug (booklet) ku qoran in adduunweynuhu kugu ictraafaayo, aqoonsi raadintu waxay tahay dadaal iyo inaad qorshe siyaasadeed oo habaysan adduunkana aad ku qancin karto in maamulkaagu la yimaaddo. 

Iliha dhaqaalaha ee dalka: Sidaad aadba tibaaxday mudanow madaxweyne Somaliland xuduudaheedu waa Djabouti, Ethopia iyo Somaliya. Xuduudka Ethopia oo ay ka gudbi jireen badeecadda ganacsi oo fara badan, wuxuu xidhnaa seddex bilood illa hadda,khasaare dhaqaale ah oo aad u laxaad badanina wuxuu waxyeello gaadhsiiyay ganacsatadii Somaliland ee badeecaddaha gayn jiray xadka dhinaciisa kale. Waxaa ku xidhan Ethopia baabuur ku dhow illa boqol oo laga leeyahay Somaliland. Maamulkaagu muxuu ka qabtay dhibaatada? inkasta oo aad wasiirkaaga ganacsiga u dirtay Ethopia misna ma muuqato in uu wax ka soo qabtay.Mudanow madaxweyne dhibaatada xadkan Ethopia way ka heer saraysaa heer wasiir waa arrim aad culus, oo ah hawl madaxweyne in uu wax ka qabto ay ahayd adiguna aadan waxba ka qaban illa wakhtigaas. Mudane madaxweyne waxaa noo muuqda Xidhiidhiidhkii ganacsi ee labada dal in uu sii bakhtiyayo tan iyo maalintaad talada dalka laguu dhiibay. Haddii maamulkaagu ku tala jiro inuu xidho xadka bariga ee Soomaaliyana, Madanow madaxweyne ganacsi dalka dibaddiisa la geeyo halkaad u qorshaysay in la mariyo? Illa hadda ma arko guul maamulkaagu uu ku faano inuu dalkan wax ugu taray. Shacabka reer Somaliland ee cododka aad ka rajaynaysay waxay wali ka sugayaan wax la taaban karo dalka iyo dadkana wax u taray.

Top


Wefti Ka UNDP oo booqday Berbera

Berbera (Haatuf): Wefti ka socda Hay’adda UNDP oo uu hogaaminayo Madaxa Hay’addaas u qaabilsan Somaliland iyo Somalia, Mr. Maxwell Guyland, ayaa booqasho ku tegay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Berbera, C/raxmaan X. Daahir, weftigaas oo ujeedada booqashadiisu tahay indho-indhaynta mashaariicda ka socota Berbera, waxa soo dhaweeyay oo qaabilay Madaxda Gobolka Saaxil oo uu horkacayo gudoomiyaha gobolkaas, Maxamed Xasan (Talata coddle) oo uu weheliyo Ku-xigeenkiisa, C/raxmaan Yuusuf Badheedhe, iyagoo uga xogwaramay xaaladda guud ee Gobolka Saaxil iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen mashaariic laga hirgeliyo magaalada Berbera, isagoo gudoomiyaha Gobolka Saaxil u soo jeediyay wax ka qabashada arrimo ay ka mid yihiin; Warshada Sibidhka, Qaboojiyayaasha xarunta Kalluumaysiga, Warshadda Laydhka, dhismaha xeebta Batalaale, Kawaanka Qalliinka xoolaha, Cusbitaalka Waalida, dekedda iyo mashaariicda wax soo saarka Milixda.

Weftigu, intaa kadib waxay kormeer ku tageen suuq cusub oo laga hirgelinayo magaalada Berbera, oo ay maal-gelinayso UN/Habitat, iyadoo ay halkaas warbixin ku siiyeen madaxda gobolka Saaxil.

Weftiga, waxa shalay qado sharaf loogu sameeyay Hotelka Xeeb-Soor, kadibna soo kormeeray Dekedda Berbera iyo Mashruuca Milixda oo 15km u jira Berbera.

Weriyaha Haatuf oo wax ka weydiiyay Maareeyaha Dekedda Berbera, Eng. Cali Xoor-xoor booqashada Weftiga kadib, waxa uu sheegay in ay weftiga kala hadleen sare u qaadista hawlaha ka socda dekedda Berbera, sida; tababar u socday shaqaalaha iyo in dadka u baahan xirfado ay ku shaqaystaan loo tababaro. Waxa kale oo aanu kala hadalnay ayuu yidhi, sidii ay nooga caawin lahaayeen adeega shaqo ee dekedda ka hawl-gala, kaas oo wax weyn ka taraya nidaaminta iyo gudbinta badeecadaha ka soo dega dekedda Berbera, iyo sidii ay xuduudaha uga gudbi lahaayeen, una gaadhi lahaayeen dawladaha aynu jaarka nahay.

Top


Waa Hubaal In Dadka Reer Sool Ka Tirsan Yihiin Somaliland

Cisman Qawdhan Warsame
Norway, Jaaliyadaha Degaanka Sool

Waxaa hubaal ah in Beesha Sool ay ka tirsantahay Somaliland marka loo eega dhul, dhaqan, wada noolaansho iyo walaaltooyoba. Waxaa aduunku markaati ka yahay in shacabka Reer Somaliland uu yahay shacab nabada jecel waana tay Soomaalida kale kaga duwan yihiin horumarkana ku gaadheen. Waxaan ogsoonahay in laga masayray halka Somaliland marayso.

Waxaana sugaynay meeshii laynaga soo geli lahaa iyadoo Alla ha naxariistee uu ilaalin jiray Madaxweynaheenii geeriyooday meesha ugu sahlan ee laynaga soo geli karo taasoo uu u arkayey inay tahay Gobolada Barri taasoo ah meesha xaasxaasiga ah ee qabiilka loogu soo dhuuman karo isagoo Gobolka Sool aan cidna taladiisa waxba ka siin jirin isla markaana golihiisa Wasiirada ku gacansaydhi jiray fekradahooda ku saabsan Degaankaas. 

Hadaba Anigoo ku hadlaya afka Jaaliyadaha Dibada ee Sool waxaan shacabka Somaliland Xukuumada iyo Golayaashaba u soo jeedinayaa inaanay raacin Dariiqa la doonayo in lagu burburiyo Somaliland kaasoo ah inay nabadgelyadeena burburiyaan isla markaana inoo qaybiyaan qabaa,il.

Waxaan canbaaraynaynaa hadalkii Axmed Cabdi Xaabsade oo ah mid burbur iyo colaadsii abuuraya manaha af dhulbahante balse waa hadalkii Cabdilaahi Yuusuf hadii shacabka iyo xukuumada Somaliland raacaan hadalka iyo ficilada Cabdilaahi yuusuf waxaa dadka reer Somaliland waayi doonaan ujeedooyinkii ay higsanayeen.

Waxaan soo jeedinaysaa in Somaliland isu aragto in xilka saaran yahay Soomaalida ee aanay ku dayan ficiladooda ku salaysan ka aar gudashada iyo hebelbaa wax ku jiri dheh adna.

Jaaliyado Degaanka Sool ahaan waxaan kale oo u soo jeedinaynaa kooxaha xagga jira ee Reer Somaliland inaanay ku kaambayn garayn wax burbur u keenaya Somaliland anagoo uga digayna Ururada siyaasiyiinta ee Somaliland inaanay Doorashooyinka soo socda u isticmaalin arintii Laascaanood ka dhacday taasoo dadka xumaanta wadaa u fasili karaan ama uga faaiidaysan karaan Qabiil iyo Arin Somaliland Sumcadeedii hoos loogu dhigo.

Waxaan u mahadnaqaynaa Madaxweyne Daahir Riyaale Sidii fiicnay ee uu uga soo baxay Magaalada Laascaanood isagoo u danaynaya shacabka taasoo ah mid looga abaal gudo anagoo ku boorinayna inuu maro wado aanay ka faaiidaysan dadka burburinteena wadaa.

Waxaan Maamulka Cabdilaahi Yuusuf u soo jeedinaynaa inuu joojiyo nabadgelyo darada iyo dhibaatooyinka uu degaanadaa ka wado taasoo aan Beesha dhulbahante u dulqaadan Karin iyadoo aanay shaqayn doonin qabyaalada iyo xirfadaha qaribaada ah ee uu isticmaalayo.

Ugu dambayntii waxaan shacabka reer Somaliland u soo jeedinaynaa inay raacaan maskaxda wanaagsan ee horumarka iyo isku duubnaanta inoo keenaysa shacabka reer Laascaanoodna u muujiyaan inay ka xunyihiin dilkii, dhaawicii iyo khasaarihii soo gaadhay.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Ganat: Boqorku muxuu odhan jiray xiliyadaa?

Mingistu: Waxba muu odhan jirin inta badan, hadaladiisuna ma badnayn. Waxa kale oo la sheegi jiray inuu lacag badan haytay, dadka qaar waxay sheegi jireen inay lacagta uu haysto tiradeedu gaadhaysay ilaa 12 milyan oo doolar, laakiin anigu dhankayga maan rumaysan inuu haysto lacag intaa le’eg, waayo markii aan qiyaasay miisaaniyaddii xukuumadda Itoobiya ee xiligii uu boqorku xukunka hayey uma ay dhigmi karayn lacag intaa le’egi, balse dhinac marka la eegona waxaan rumaysnaan inuu lacag haystay, waayo xiliyadaa xaaladayadu way liidatay oo tusaale ahaan kahsnaduhu way madhnaayeen, sidoo kale abaarihii gobolka Wallo waxba waa loo waayey, ta kale markii ay cadawyadayadu afka noo soo dhigteen wax dhaqaale ah oo aanu isku difaacno oo aanu ciidamada ku tababaro waanu waynay, sidoo kale maanu haysan wax aanu hub siino, ta kale macalilmiinta iyo shaqaalaha dawladda wax mushahar loo siiyo lama hayn oo meel laga keeno waa la waayey. Masalan xiliyada ay xaaladdu sidaa u adkayd intaanu boqorka u tagnay ayaanu ku nidhi "Waxa la leeyahay boqorku lacag buu haystaa xaaladda ay maanta Itoobiya ku sugan tahayna waad aragtaa, markaa lacagta la leeyahay waad haysaa halkii ay dad kale oo debedeed ka faa’iidaysan lahaayeen, bal ka warran hadii aad u haniyeyso shicibkaagii aad lahayd waanu jecelahay, iyaguna way na jecel yihiin", laakiin si yar oo degan ayuu noogu jawaabay, wuxuuna yidhi "Ma jirto lacag aanu ka qarsanay shicibka Itoobiya oo aanu meel dhiganaya", balse inantiisa oo ag-joogtay Princes Tanaanay Warqa ayaa nala dirirtay oo nagu tidhi "Waxaad tihiin qirin-qiiro tuugo ah", laakiin si yar oo degan ayaanu anagu ula hadalay boqorka, waxaanuna ku nidhi "Kii haybadda lahaayow cidda su’aashan soo jeedisay ee ay ka timi anaga ma aha ee shicibka Itoobiya, markaa bal ka soo feker hadii ay jirto lacag aad meel dhigatay oo aad is tidhi maalin aad qaxday ama maalin kale oo xun ayey ku anfaci, ama aad is tidhi dadka meel u dhig si ay u anfacdo waqti xun, ta kale waxaad ogaataa dadku hadii la yidhaahdo boqorku lacag ma haysto ma rumaysanayaan oo taasi ma aha mid la marsiin karo ee bal adigu is qiyaas", su’aalahaa markii aan waydiinayeyna intaan nimankii kale wada saaray ayaan keligay ku hadhay.

Ganat: Prince Tanaanay maxay idinku tidhi oo ay idinkula dirirtay?

Mingistu: Waxay nagu tidhi "Oo xataa hadii ay jirto lacagtaasi miyaa nala dhacayaa, waayo anaguba caruur baanu leenahay oo way na dhaxlayaan oo caruurtayada ayaanu siinaynaa, ta kale sidee baa loo awoodaa in nala waydiiyo waxa aanu haysano, taa ma yeelayno oo xataa hadii loo baahdo qareen ayaanu qabsanaynaa oo aanu isku difaacaynaa ". Laakiin anigu hadalo caynkaas oo kale ah kamaan sugayn Prince Tanaanay, waayo waxay iila ekayd gabadh ina Boqor ah oo sharaf leh, isla markaana waxay ahayd qof aqoon leh oo wax baratay, sidaa darteed waxaan ka filayey inay ku hadasho wax u dhigma waxa ay iyadu tahay, balse wax alaale wixii ay doonto ee afkeeda ka soo baxa ayey ku hadashay. Hase yeeshee intaa kagama aanu hadhin arinta ku saabsan lacagta, sidaa darteed maalin kale ayaanu si weyn ugu soo diyaar garownay inaanu mar kale su’aasha lacagta waydiino, laakiin waxa lagama maarmaan noqotay inaanu helo cadaymo buuxa oo aanu hordhigno, dabadeedna waxaanu go’aansanay inaanu cadaymo raadino, sidaa darteed Yurubna cid baanu u diray, sidoo kalena banka dhexe ee Itoobiya ayaanu isna wax waydiinay. Xiligaa gudoomiyaha baanka dhexe waxa gudoomiye ka ahaa nin la yidhaahdo Tafara Dagifa, ka dibna waxaanu waydiinay su’aal ahayd "Boqorka ama cid kale oo la mid ahi marka ay doonayso inay lacag meel dhigtaan waa maxay waxa looga baahan yahay ama sidee iyo habkee ayuu u dhigan karaa", laakiin wuxuu noogu jawaabay "Anigu inaan wadada ama sida sharciga ah baanka u maamulo mooyaane ma garanayo lacagayow kale oo si sir ah loo dhigto, inay jirto iiyo inkalena ma ogi, ta kale nidaamka uu boqorku lacagta u dhigto wax xidiidh ah lama aan lahayn oo maan ogayn", basle hadana dood kale ayaanu u celinay, waxaanuna ku nidhi "Waxba ha is arbushin, waxaadna ogaataa hadii aad noo sheegi wayday waxa aanu kaa codsanay, isagana (Boqorka) ma caawin kartid, adiguna isma caawin kartid, , ta kale waxaad tahay nin halkan (Baanka) sannado badan soo fadhiyey oo ka soo shaqaynayey, sidee baaddan u ogayn lacagtaa, , lacagtaasina waxay noqon doontaa mid uu nin waliba iska qaato, adiguna hadii aad sheegto waxaad noqon doontaa nin shicibka abaal u galay, sidaa darteed na caawi", laakiin hadana waxa uu noogu jawaabay "Runtii anigu wax aan ogahay ma jirto, ta kale hadii ay jirto lacag laga qariyey shicibka Itoobiya ma noqonayso lacag uu boqorku gaar u leeyahay ee waa lacag ay shicibku leeyihiin, isla markaana arintaasi waa mid anigana I khusaysa, hase yeeshee waxaan idiin sheegayaa boqorku hadii uu sidaa yeelay haba yaraatee may jirin wax uu igala tashaday, markaa taasi majirto ee haku nacasoobina, ta kale anigu gudoomiye shaqo maamul oo gaar ah haya ayaan ahaaye kama aan mid ahayn ehelada boqortooyada, sidaa darteed mar hadii aanan ka mid ahayn ehliyadda boqortooyada, sidee baan u noqon karaa qof sirtooda la og, waliba hadii ay jirto inuu lacag meel dhigtay aniga iska dhaafoo xataa u malayn maayo inay caruurtiisu ogyihiin ".

Hadalka uu ninkaasi (Gudoomiyaha baanka) kaga jawaabay su’aalihii aanu waydiinay ama guud ahaan-ba sida uu u hadlayo anigu waan ku qancay, sidaa darteed qodqod intaa dhaafsiisani iima muuqan. Dhinaca kalena bankiyada Sweden ee aanu u baadi doonka tagnay waxba noogama suurta gelin, waayo bankiyada Sweden 50 sannadood ka hor lacagtii ay Yuhuudda ka dhaceen inta sankooda la qabtay ayaa laga qaaday, laakiin anaga iska daa lacag ay na siiyaane xataa war yarna nama ay siin, waxayna sheekadeedu ahayd sirta iyo xidiidhka ay boqorka la lahaayeen inaan la kashifin oo la qaawin. Hase yeeshee arintaasi may ahayn mid anaga oo qudha nagu dhacday waxay ahayd mid ay dalal kale oo dunid ahina nala qabeen. Tusaale ahaan boqorkii Masaarida ee la odhan jiray boqor Faaruq waxa uu meel dhigtay oo fogaystay lacag badan, sidaa darteed Jamaal Cabdi-naasir iyo ragiisii markii ay isku dayeen inay lacagtaa uu boqor Faaruq xasaystay soo celiyaan way soo u suurtageli wayday, anaguna si aanu wax raad ah u helo waxay arintu nala gaadhay heer aanu Masaarida u waraysi tagno si aanu macluumaad uga helo, balse waxaas oo dhan waxba noogama suurtagelin. Sidoo kale khasnadii uu boqorku gaarka u lahaa ee madaxtooyada taalay waanu baadhnay, laakiin markii aanu furay waxaanu ka helay Shandad yar oo saan ka samaysan, shandadaasna waxa ku jiray oo aanu ka helay waraaqo ay ku qoran yihiin wax aan la fahmi karin, laakiin shandadaasi waxay ahayd mid qafillan, waxaase muftaaxeedu meesha uu yaal noo sheegay nin og meesha uu yaalo.

Ganat: Kuma ayuu ninka furaha idiin sheegay ahaa?

Mingistu: Magaciisa kuuma sheegi karo ninkaa, balse furahaasi waxa uu ahaa mid dahab ka samaysan, isla markaana waxa uu mid uu boqorku sidii fargal uu farta u sudhan jiray...

La soco cadadka dambe...

Top


"Ma Jrito Meel Uu Reerku Suldaan Ku Doortay"

Bayaan

Anaga oo ah odayaal iyo wax garad ka tirsan beesha reer Maxamed Muuse (Dhul-bahante, degaanka Buuhoodle) waxa naga yaabisay maqaal ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay 12-kii Diisambar, 2002, maqaalkaas oo uu cinwaankiisu ahaa "Suldaan lagu doortay Buuhoodle", iyadoo nin la yidhaahdo Xasan C/qani Sh. Aadan uu sheegtay inuu yahay suldaan cusub oo reer Maxamed Muuse doorteen. Laakiin waxaanu dawladda iyo ummadda reer Somaliland0 u cadaynaynaa inaanay taa waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin meel uu Reer Maxamed Muuse ninkaa suldaan ugu doortay, ta kale xubnaha uu sheegay inay ansixiyeen waxa weeye dad laga been-abuuray oo aan waxba ka ogayn ansixinta uu sheegay, marka laga reebo hal nin oo la og, ujeedada sheegashadaa ka dambaysaaana waxay tahay isaga oo doonaya dano gaar ah inuu ku gaadho, isla markaana uu eed ku geliyo dad war ma qabto ah. Waxayna kala yihiin xubnaha qoraalkan saxeexay:

  1. Cilmi X. C/laahi Budhcad

  2. C/raxiim Sh. Cismaan

  3. X. Xuseen Yuusuf C/laahi

  4. Saleebaan X. Yuusuf

  5. Aadan X. Cismaan C/laahi

  6. SH. Xuseen Sh. Maxamed SH. Aadan

  7. Siciid X. Axmed X, Yuusuf

  8. Iyo Xariir X. Ibraahin C/laahi

Top


Berbera: Dhagax-Dhigii Rayaale Iyo Dhiirgelinta Deeq-Bixiyayaasha

Madaxweyne Rayaale, ka dib markii si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Berbera iyo guud ahaan gobolka Saaxil ayuu habeenkii u hoyday oo ahayd habeenkii khamiistii toddobaadkii hore subaxnimadeedii ku jarmaaday Dhagax-dhigga suuq cusub oo lagu soo kordhiyey magaalada Berbera, suuqaas oo ay maalgelisay hay’adda samafalka caalamiga ah e Habitate, iyadoo ay hayaddaasi dhiirigelisay deeq-bixiyayaasha.

Subaxaa uu madaxweyne Rayaale dhagaxa dhigay suuqa cusub ee Berbera waxa weheliyey maayarka kumeelgaadhka ah ee Berbera, Maxamed Axmed Xasan (Talaate) iyo maayarkii hore Xasan-gadhweyne, laakiin mudnaanta uu madaxweynuhu siiyey goobtaa uu dhagaxa dhigay waxay dad badan oo reer Berbera ah ugu muuqatay talaabo dhiirigelin u noqonaysa cidkasta oo dalka wax u qabanaysa.

Mashruucan waxay hay’adda Habitat ugu deeqday 1.5 milyan doolar (milyan iyo shan boqol oo doolar), laakiin mashruucani waxa uu ahaa mid goor hore bilaabmay, laakiin waxa hakiyey khilaaf dhexmaray xukuumadda Somaliland, xiligii marxuum Cigaal iyo hay’adda UN-Habitat, isla markaana waxa kale oo ay taasi hakad gelisay dib-udhis lagu samaynayey xarunta dawladda hoose ee Berbera. Laakiin hay’adda UN-Habitat aad bay u soo dhowaysay talaabadan cusub ee uu madaxweyne Rayaale dhagaxa ku dhigay dhismaha suuqaa, taas oo ay ku tilmaameen dhiirigelin la dhiirigeliyey hayadaha samafalka caalamiga ah ee doonaya inay dalka wax ka qabtaan. Sidaa darteed hawl-wadeeno ka tirsan hay’adda UNDP, kuwaas oo u muuqday inay u riyaaqeen arintaa.

Maxamed Cabdi Haybe oo ah hawl-wadeen ka tirsan hay’adda UN-Habitat ayaa maalintii uu madaxweyne Rayaale dhagaxa dhigayey suuqa cusub ku sugnaa goobta, wuxuuna Maxamed madaxweynaha gudoonsiiyey koofiyad cad oo ay ku qoran tahay calaamad ay leedahay hay’adda ku deeqday lacagta mashruucan ku baxaysay e UN-Habitat, isla markaana waxa uu hawl-wadeenkaasi madaxweynaha iyo weftigiisii halkaa ku siiyey tafaasiil ku saabsan suuqa cusub ee ay dhisayaan.

"Talaabada uu madaxweyne Rayaale dhagaxa kudhigay suuqan waa mdi wax ku ool ah oo xusuus dheeraad ah u yeellan doonta hayadaha samafalka caalamiga ah, isla markaana waxaan rajaynayaa mashruucan oo hadda ah gebogebo in mar kale la sii ambaqaado sannadka cusub mashaariic kale oo lagu horumarinayo magaalada Berbera", sidaa waxa yidhi Maxamed Cabdi Haybe oo aan waydiiyey bal sida uu u arko dhagaxa dhigga madaxweynaha ee suuqaa, iyadoo ay taasi u muuqato is faham hadda dhexmaray xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo hay’adda UN-Habitat, halka ay hayaddan iyo xukuumaddu hore isu eedeen. Laakiin sarkaalkan waxa kale oo aan waydiiyey bal nooca ay yihiin mashaariicda uu tibaaxay inay sannadka cusub qabanayaan, wuxuuna taa kaga jawaabay "Iminka ku odhan maasyo waxaas iyo waxaas ayaanu qabanaynaa, laakiin sannadka cusub mashaariic kale ayaa la sii ambaqaadayaa". Laakiin Maxamed Cabdi waxa uu u mahad naqay labada masuul ee xilka maayarnimo iyo badhasaabnimo ee is huwan la kala wareegay (talaate & Xasan-gadhweyne), kuwaas oo uu ku tilmaamay inay labadooduba ka midaysnaayeen, xilna iska saareen meel-marinta mashaariicda Berbera ay hayadiisu Berbera ka fulisay. "Hadii aanay labadaa masuul gacan na siin nooma ay suurtagasheen dib-udhiska iyo dayactirka magaalada Berbera iyo inaanu bulshada wax u qabanaa"ayuu Maxamed Cabdi.

Dhagax-dhigga suuqan cusub ee madaxweyne Rayaale waxay reer Berbera u ahayd fursad wanaagsan, isaga oo weliba fagaaraha Khayriyadda Berbera kaga tiraabay inay jiraan hayado iyo shirkado caalami ah oo ay kula heshiiyeen inay wax ka qabtaan magaalada Berbera, hadalkaasna dadka reer Berbera way u guuxeen, laakiin marka taa laga yimaado waxay dadka qaar aaminsan yihiin inaanay socdaalka madaxweynaha ka madhnayn kaambayn siyaasadeed oo uu dib ugu baananayo ururka uu gudoomiyaha ka yahay, kana sharaxan yahay ee UDUB oo ay diifi ka soo gaadhay khilaafkii dhowaan saameeyey. 

Top


Weftigii Rayaale Iyo Weerarkii Kala Kulmay Laascaanood

Laas-caanood (Haatuf): Sida la ogyahay madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo oo dhowaan socdaal ku tegay magaalada laascaanood ee gobolka Sool ayaa halkaa kala kulmay weerar ay ku soo qaadeen ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf, iyadoo ay ciidamada C/laahi Yuusuf weerarkaa la beegsadeen weftiga madaxweyne Rayaale.

Weriye Liibaan Maaweel Shire oo Haatuf ka tirsan, kana mid ahaa weriyayaashii weftiga la socday ayaa warbixin ka diyaariyey sidii uu weerarkaasi u dhacay iyo sidii uu jawigu magaalada noqday markii dagaalku qarxay, waana tan warbixintii:

"9:30 Subaxnimo ayey madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu gaadheen magaalada Laascaanood, ka dib markii ay magaalada Hargeysa ka baqooleen habeen-badhkii, laakiin weftigu markii ay galeen magaalada Laascaanood intii aanay gaadhin gurigii loo sii diyaariyey inay degaan ayey rasaas soo rideen ciidamo maamul-goboleedka Puntland ah oo ku sugnaa saldhig boolis oo ku yaal Laascaanood, basle ilaaladii weftiga ayaa iyaguna ugu jawaabay rasaas, qader ka dibna rasaastu way istaagtay, isla markaana rasaastaasi wax khasaare ah ma geysan, taas oo ay weftigu madaxweynuhu gaadheen goobtii loo diyaariyey iyaga oo nabad qaba, wax yar ka dibna afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris oo weftiga ka mid ahaa ayaa weriyayaasha u sheegay inuu madaxweynuhu ugu horayn la kulmi doono isimada, cuqaasha, aqoonyahanada iyo wax garadka reer laascaanood, laakiin xiligii qadada oo ahayd abaaro 12:30 ayey mar kale rasaasi yeedhay, rasaastaasna waxa soo furay ciidamo ka yimi dhinaca xarunta maamul-goboleedka Puntland, xaruntiisa Garoowe, waxayna wateen ilaa sadex gaadhi oo tikniko ah. Laakiin mid ka mid ka mid ah saddexdaa baabuur ee tiknikada ah ayey ilaalada weftigu markiiba xabbad la eegteen sidaana ku gubtay, iyadoo uu baabuurkaasi ahaa Toyota-Lancruiser uu saarnaa qori Baroon ah.

Waxa la rumaysan yahay inay ciidamada Puntland weerarkaa uga dan lahaayeen inay dilaan ama qabtaan madaxweyne Rayaale iyo xubnihiisa kale ee weftiga, laakiin ciidamadii la socday weftiga ayaa la odhan karaa taa way baajiyeen, waxaana ciidamadii maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf dagaalka kaga dhintay ugu yaraan dhawr askari iyo ninkii badhasaabka Laascaanood uga ahaa maamulka C/laahi Yuusuf oo la odhan jiray Qaloocow, halka ay dad kalena waxyeelo kala duwani ku soo gaadhay. Laakiin ilaalada weftigu inkasta oo ay u jilib-dhigeen ciidankii soo weeraray, hadana weliba waxay wararka qaar lahaayeen waxa dhaliil weeyn lahayd hogaaminta dagaalka, taas oo ay la lahaa waxay waayeen cid dagaal gelisa.

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxay goor dambe ooo galabnimadii ah uga baxeen magaalada dhinaca tuullada Kalabaydh oo Laascaanood kaga beeggan dhinaca Koonfur-galbeed, laakiin sida ay warar xog-ogaal ahi sheegeen weftiga madaxweynuhu intii ay ku soo jireen jiidaha hawdka tiroba laba goor ayaa jidka lagu rasaaseeyey.

Imaatinkii weftigii madaxweynaha ee gobolka Sool waxa u sii gogol-xaadhay wefti wasiiro ah, isla markaana wararka qaarkood ayaa sheegay inay isimada reer Sool martiqaadeen madaxweynaha ioy weftigiisa. Laakiin markii uu weerarku dhacay ka dib waxa soo if-baxday dood ku saabsan tegeistii weftigii madaxweynaha ee laascaanood, taas oo ay su’aasha la iswaydiiyey tahay madaxweyne Rayaale iyo weftigiisii Laascaanood miyaa looga baaqay, mise waa looga digay.

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in madaxweynaha iyo weftigiisa lagu yidhi "ha tegin". "Anigu madaxweynaha waan la hadlay intii aanu soo bixin, waxaan ku idhi ha iman ee joog, balse wasiirada kale waxay rabeen inuu yimaado" sidaa waxa ku sheekeeyey mid ka mid ah kooxdii wasiirada ahayd ee gobolka uga horeeyey weftiga madaxweynaha.

Dhinaca kale inkasta oo la rumaysan yahay inay inta badan Isimada reer Sool martiqaadeen madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay ku yidhaahdeen noo kaalay, hadana taas lafteedu waxay u egtahay inay xubno isimada ka mid ahi ka soo horjeedeen. "Waan maqmaqlayey martiqaadka, laakiin ma jirto wax aan anigu kala socday" sidaa waxa yidhi garaad Saleebaan garaad Maxamed oo aanu wax ka waydiinay martiqaadka ay isimada reer Sool u fidiyeen madaxweynaha, dhinaca kalena garaad Saleebaan waxa uu iftiimiyey inuu raali ka yahay ciidamada maamul-goboleedka C/laahi Yuusuf. Laakiin dhinaca kalena bayaan qoraal ah oo ay na soo gaadhsiiyeen xubno ka mid ah mudanayaasha beesha sool kaga jira baarlamaanka Somaliland ayaa waxa ku saxeexnaa afar ka mid ah garaada reer Sool, wuxuuna qoraalkaasi sheegayaa inay afartaa garaad canbaaraynayaan weerarkii lagu soo qaaday magaalada laascaanood maalintii ay booqashada ku joogeen weftiga madaxweyne Rayaale.Afartaa garaad ee bayaankan ku saxeexan oo ay magacyadoodu kala yihiin Garaad C/qani Garaad Jaamac, Garaad Ismaaciil Ducaale, Suldaan Siciid Cismaan iyo Ugaas C/laahi Ciise Nuur qoraalkoodu waxa uu u dhignaa sidan:

"Anaga oo ah isimada beesha dhul-bahante ee ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa baaq aanu kaga turjumayno xaaladda nabadgelyo ee degaanka gobolka Sool iyo dagaalkii dhowaan lagu soo qaaday magaalada Laascaanood, sidaa darteed:

Marka hore waxaanu canbaaraynaynaa weerarkii gardarada ahaa ee 7.12. 2002 lagu soo qaaday magaalada Laascaanood oo waxyeelo, naf iyo maal-ba leh u geystay dadka iyo hantidoodaba, iyadoo ay masuuliyadda dhinkaas ay leeyihiin maamulka Garoowe.

Sidoo kale waxaanu aad iyo aad uga xunahay, ugana tacsiyeynaynaa dhammaan dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay weerarkii lagu soo qaaday magaalada, sidoo kalena hadii aanu nahay isimada iyo shicibka waxaanu aad uga xunahay saamayntii uu weerarkaasi ku yeeshay booqashadii iyo martigelintii madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisi.

Waxaanu u soo jeedinaynaa dhammaan shicibka inay nabadgelyada adkeeyaan, isla markaana ay wixii dhibaato wada meel uga soo wada jeestaan"ayey ku soo xidheen qoraalkooda. Laakiin arimuhu sida ay doonaan ha ahaadeene waxaan koleyba meesha ka madhnayn dhaliilo shilis oo laga dareemay gogol-xaadhkii madaxweynaha iyo xogaha uu madaxweyne Rayaale ku go’aan qaatayba, sidoo kalena waxay dadka dhaliilayaan tabaabushaha dhinaca xukuumadda ee socdaalkaa la xidhiidha, hase yeeshee dhinaca kalena marka la eego wixii uu madaxweynuhu kala kulmay gudaha magaalada Laascaanood waxay ahayd dhacdo ay dadka reer Sool naanays ka dhaxleen, waayo marka la eego hiddo-samida dhaqan ee looga bartay mujtamaca reer Somaliland dadka reer Laascaanood madax iyo minjo xil culus baa ka saarnaa dadka martida u ah, taas oo ay waajib ku ahayd inay qodaxda ka ilaaliyaan inta ay baydkooda joogaan. Balse si kasta arintu ha ahaatee weerarkaasi waxa uu ahaa mid lama filaan ah oo aanay madaxweynaha iyo weftigiisu, iyadoo uu madaxweynuhu xanbaarsanaa mashaariic uu ugu talo galay reer Sool, sidoo kalena dad badan oo reer Sool ah ayaa iyagana laga yaabaa inaanay filayn.

Top


Urur Suxufiyiin Ah

Hargeysa (Haatuf): Kooxo suxufiyiin ah oo reer Somaliland ah ayaa shalay ku dhawaaqay urur-saxaafadeed la yidhaahdo Jimciyadda suxufiyiinta iyo qorayaasha Somaliland marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo SSW (Somaliland Society For Independent journalists and Writers”, waxayna ku dhawaaqidda ururkani ka dambaysay kulamo is daba joog ah oo ay yeesheen kooxo ka tirsan suxufiyiinta Somalilandm, kuwaas oo dodo iyo fallanqayn dheer ka yeeshay sidii loo bud-dhigi lahaa urur-saxaafadeed ka shaqeeya ilaalinta iyo arimaha beesha saxaafadda, iydoo ururkani kii u horeeyey ee noociisa ah ee dalka laga sameeyo, ka dib markii la ogaaday baahida ay suxufiyiintu u qabaan urur-saxaafadeed.

Xubnaha suxufiyiinta ah ee ururkan ku dhawaaqay waxay si ku meelgaadhka u doorteen xubno guddi ah oo isku dubaridi doona hawlaha ururka, iyadoo ururkan looga soo qayb galay si madax banaan oo shakhsi-shakhsi ah, taas oo uu ururkani yahay mid u furan qof kasta oo ka mid ah suxufiyiinta Somaliland, hadii uu yahay mid meel ka shaqeeya iyo hadii uu yahay mid aan meelna ka shaqayn, iyadoo uu taa macneheedu yahay qofka suxufiga lagu xidhin dabar saami-qaybsi hayadeed, sida Wargeys hebel ama idaacad hebla, sidoo kalena waa inay beesha saxaafaddu iyaga oo fekerkooda u madax banaan waa inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana ay si xor ah u doortaan madaxda hogaaminaysa.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee saldhigga u ah aasaaska ururkan waxa ka mid ah:

  1. Ilaalinta xoriyadda saxaafadda iyo suxufiga

  2. Wax ka qabashada gefafka loo geysto suxufiyiinta iyo qorayaasha bahda saxaafadda ama ay geystaan.

  3. Difaaca iyo daryeelka xuquuqda xubnaha suxufiyiinta iyo qorayaasha Madaxa banaan ee Somaliland, sida waafaqsan distoorka Somaliland iyo qoddobka 19aad ee xeerka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

  4. Kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha saxaafadeed ee suxufiyiinta, sida aqoon iswaydaarsiyo iyo tababaro iyo weliba waxbarasho debedeed sidii loogu heli lahaa suxufiyiinta.

  5. In xidhiidh lala sameeyo ururada saxaafadda iyo kuwa xuquuqda aadamaha ee heer gobol iyo heer caalamiba.

  6. Ilaalinta iyo kobcinta anshaxa suuban ee suxufiga iyo saxaafadda, iyadoo mabaadi’da kobcinta suxufiga wadaniga ah lagu salaynayo ilaalinta dareenka iyo mabaadida wadaniyadda.

  7. Samaynta machad saxaafadeed oo laga bixiyo shahaado saxaafadeed la aqoonsan yahay.
    Fiiro gaar ah

  • Jimciyadda SSW waxay ka diiwaangashan tahay urur-saxaafadeedka caalamiga ah ee RSF (Reporters with out borders) iyo ururka kale ee suxufiyiinta carabta.

  • Ururkan waxay xaruntiisu noqon doontaa caasimadda Hargeysa.

  • Xubnaha jimciyaddani waxay isaga yimaadeen ama ka soo kala soo jeedaan dhammaan gobolada Somaliland.

  • Xubnaha ururku waxay bixin doonaan qaadhaan yar oo dhaqaale oo adeegyada lagaga shaqeeyo.

  • Ururkani waa mid u furan Suxufiyiinta Somaliland oo ay ku soo biiri karaan markasta oo uu qofku doono.

  • Ururkani waxa uu doortay hogaan kumeelgaadh ah sida, gudoomiye, gudoomiye-xigeen, Genaral Adviser, xoghaye iyo guddi fulineed, waxayna kala yihiin magacyada xubnaha ururka ku dhawaaqay:

  1. Axmed Cali Garas--- gudoomiye

  2. Mustafe Cabdi Ciise-Gudoomiye-xigeen

  3. Muuse Xaaji Muxumed (Muuse Inji) Janaraal Adviser

  4. Caraale Maxamuud Jaamac--- Xoghaye

  5. C/raxmaan Maxamed Guun

  6. Mukhtaar Ismaaciil Warsame

  7. Ayaan Maxamed

  8. Axmed Xuseen Warsame

  9. Axmed Ducaale Bulaale

  10. Maxamed Cabdi Jaamac

  11. Yuusuf Cabdi Gaboobe

  12. Bashiir Axmed Saalax

  13. Axmed Ismaaciil Cawaale

  14. C/raxmaan Xaaji Daahir

  15. Cumar Daahir Cumar

  16. Liibaan Maaweel Shire

  17. Maxamed Cumar

  18. Maxamed Xasan

  19. Shukri Xariir

  20. Milfad Maxamuud C/laahi

  21. Siciid Ismaaciil Guraase

  22. M/rashiid Muxumed Faarax

  23. C/fataax Maxamuud Caydiid

  24. Maxamed Amiin Jibriil

  25. C/rashiid Muxumad Qalinle

  26. Xasan Xoosh

  27. Cabdale Maxamed Axmed

  28. C/baasid Ismaaciil

  29. Cismaan Maxamed Cismaan

  30. Xadiis Maxamed Xadiis

  31. Shaadiya Maxamed Rooble

  32. Nefisa Maxamed Cabdi

Top


"Waxaan taageerayaashayda ogaysiinayaa inaan ka tanaasulay musharaxnimadii"

Hargeysa (Haatuf): C/raxmaan Axmed Shunuuf oo ka mid ah xubnaha urur-siyaasadeedka UDUB ee ka sharaxan golaha degaanka Hargeysa ayaa shalay sheegay inuu ka tanaasulay, sidaana waxa uu ku cadeeyey qoraal uu na soo gaadhsiiyey.

C/raxmaan Axmed Shunuuf oo ka mid ah aqoonyannada waaweyn ee reerSomaliland waxa uu sababta tanaasulidiisa ku tilmaamay cadaalad daro ka jirta ururka UDUB dhexdiisa iyo weliba tartankii dimoqraadiyadda oo aan ururka dhexdiisa ka jirin. Sidaa darteed C/raxmaan Axmed Shunuuf waxa uu taageerayaashiisa ugu baaqay in maadaama uu ka tanaasulay is sharaxaadiisii golaha degaanka ay xor u yihiin codkooda cidda kale ee ay siinayaan.

"Anaga oo u sharaxnaa golaha degaanka xisbiga UDUB ee degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa, waxaan taageerayaashayda sharafta mudan ogaysiinayaa inaan ka tanaasulay musharaxnimadii"ayuu yidhi C/raxmaan, wuxuuna intaa ku daray "Waxaan tanaasulay, ka dib markii aan arkay cadaalad darada ururka UDUB dhexdiisa ka jirta, isla markaana aan meesha ka waayey tartankii dimoqraadiyadda ee looga baahnaa ururka gudihiisa, iyadoo ay tahay inay dimoqraadiyadda iyo tartanka xalaasha ahi marka hore ka soo bilaabato urur walba dhexdiisa, sidaa darteed waxaan taageerayaashaydii ugu baaqayaa inay codadkooda xor u yihiin oo ay codeeyaan cidda ay doonaan".

Top


Siday Xeego Ku Noqonaysaa Ilkana Ku Nabad Galayaan.

Axmed A. Xirsi Superman Hargeysa

Xeegadu waa ciyaar kubada cagta u dhow oo laga ciyaaro wadamadii uu Ingiriisku gumaysan jiray, waxay kubada cagta kaga duwan tahay kubada lagu ciyaaraa ulo budhka u egna waa lagu riixaa kubada afka qalaad lagu yidhaa (Hokey). Ciyaartoyga ciyaarayaa haddii ay isku xanaaqaan hub kale ma raadsadaan maadaama ciyaartoy waliba budhkiisa sito, maahmaahda kor ku xusan ee aynu wada garanaynaa waxay ka timid ciyaartaa xeegada la yidhaa oo runtii ah ciyaar khatara macnaheeduna waa sidii ciyaartan loo ciyaari lahaa dadkuna u nabadgeli lahaayeen, waxaa kaloo maahmaahdan ku sifoobaysa xaalad kasta oo adag oo la doonayo in laga gudbo, sidaa waxaa ka dhigan xaaladda dalku ka gudbayo, waxa maanta ku beegan doorashadii deegaanka xilkuna wuxuu si toosa ah u saaranyahay inta hadda midida daabkeeda haysa haddii ay yihiin kuwo xil qaran haya iyo haddii ay yihiin kuwo Xisbi ka tirsan. Qofkasta oo muwaadin ahna xilku si dadban ayuu u saaranyahay, sida aynu wada ogsoonahay ee dastuurka qarankeenu ku dhisanyahay waa bilow qabyo badanina way inoo taallaa sidaa darteed waxaa fiican inta la yidhaa qodaxi meesheed gacmahana la iswada qabsod si looga gudbo xaaladan kala guurka ah, markasta aynu ku ducaysano ducada odhanaysa (Ilaahayow kuwa khayrka noo wada talada noogu dhiib, oo kuwa sharka noo wada talada ha noogu dhiibin).

Haddii aan ku noqdo xaga ururada siyaasiga ah ee ku tartamaysa doorashada, taariikhdii la soo dhaafay dawladii ugu wakhtiga dheerayd waxay ahayd tii kali taliyihii siyaad Bare waxa ka mid ahaa waxyaabihii sababay dad indho la’aan ku ayida mabaadii’diisa, oo uu ka soo xulan jiray dadka mujtamaca ugu hooseeya, dadkaas oo uu ula bixi jiray Guul-Wade, iyo tabeele waxay xidh-xidhi jireen mujtamaca inta indheer garadka ah iyo mutacalinka, intii ka dambaysay Siyaad Barre waxaad moodaa in ay tahay waxyaabaha xun-xun ee aynu kaa dhaxalay taliskaa waayo ma nidhaahno yaa shaqadaa ku haboon, Inkasta oo aynu sababaynay oo aynu nidh xul maaha ee waa xal sidii dawladii u horeysay ee Marxuum Cigaal, taa waxa lagaga guurayaa nidaamka laga guurayo, ururaduna waxay u kala badin doonaan sida loo kala indheergarad iyo mutacalin badanyahay. Guntii iyo gebagebadii waxaan leeyahay bar-barkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen.

Top


Ahmiyada Doorashooyinka Ee Hanaanka Isbedelka Xukunka

Doorashooyinka waxaa lagu macneeyaa inay yihiin hanaanka uu ku yimaado isbedelka nabadgelyada ku dhacaa, waana tiir ka mid ah tiirarka Dimuqraadiyada. Sideedaba isbedelka nidaamka xukunku wuxuu ku yimaadaa laba nooc oo kala ah isbedel ku yimaada si nabad ah waana ka ku yimaada habka doorashooyinka iyo isbedel ku dhaca si xoog ah ama qalalaase ah, waana ka ku yimaada Inqilaab dhaca ama gadood ay shacbigu sameeyaan. Si markaa looga badbaado in uu yimaado isbedel ku dhaca si xoog ah ama qalalaase ah ayaa loo dejiyay hanaanka doorashooyinka si marka ay muddo ka soo wareegtaba ay dadku u doortaan cidii ay doonayaan iyadoo ay jiraan axsaab ku kala salaysan mabaadiida iyo fikrado kala duwanoo ay dadku kala doortaan, taasoo lagama maarmaan u ah nidaamka Dimuqraadiyada balse way dhici kartaa in Xisbi kaliya ay dhexdiisa ka dhici karto wax doorasho u egi haddana magaadhsiisna sida xaqiiqada ah ee doorashooyinka xaq ahi ay ku dhici karaan. Waxayse Lagama maarmaan u ah in ay axsaabtuna nidaamsanaadaan oo ay lahaadaan barnaamij iyo siyaasad cad oo ay dadku kala dooran karaan. Iyagoo dadweynuhu la xisaabtamaya marka doorashada kale la gaadho cidii ay markii hore doorteen oo ay abaal marin u siinayaan wixii ay mutaysatay oo ah dib u doorasho haddii ay ka soo baxday wixii lagu doortay iyo inay xukunka ka qaadaan waa haddii aanay cidaasi kasoo bixin balamihii ay qaaday. Sidoo kale waa inay jiraan gudiyo madaxbanaan oo u garqaada axsaabta tartamaysa iyo saxaafad madaxbanaan oo dusha ka eegta sida ay doorashooyinku u dhacayaan xaqiiqadana ka sheegta. Iyadoo ay maanta dalkeena ka jiraan dhammaan waxyaabaha aynu soo sheegnay ayay dadweynuhu u dareerayaan codbixinta iyo doorashadii ugu horeysay muddo 33 sano ah ka dib markii uu kaligii taliyihii Siyaad Bare xukunka boobay 1969kii oo la qabtay doorashooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhaca dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray.

Intii mudadaa ka dambeysay dadku waxa ay waayeen xuquuqdoodii doorashada iyadoo uu 21 sano xukunka qori caaradii ku haystay Siyaad Barre wax doorasho ahina dadka looga dhaartay markii la riday xukumadii Siyaad Barre.

1991kii markii la riday Siyaar Barre ee lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland dalku waxa uu galay marxalad dib u dejin iyo yagleelida hanaanka maamulka ah taasoo soo qaadatay ilaa wakhtigan xaadirka ah mudadaana waxa lagu soo dhaqmayay nidaamka bulshada reer Somaliland dhaqanka u ah in la isugu yimaado shirar-beeleedyo iyo garqaadis geedka hoostiisa ah iyadoo ay talada goynayeen Guurtida iyo madax-dhaqmeeyadu run ahaantiina hanaankaa dhaqanka Somaliland way ku soo caano maashay iyadoo ku soo gaadhay marxaladan ay suurto gashay in doorashooyin la qabto. Laakiin marxaladan lafteeda waxa loo baahanyahay in la yeesho taxadirkeeda maadaama ay ka dhalan karaan dhibaatooyin xaga codbixinta iyo qancida natiijooyinka doorashada ah. Sidaa darteed waa in loo wada guntadaa sidii ay doorashadan golayaasha deegaanku ugu dhici lahayd hanaan dalka u horseeda isbedel nabadgelyo ku dhaca. 

Top