Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 225 December 16, 2002

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka 

Hoggaamiyayaasha Ururada Siyaasadda Ee Somaliland Maxay Ka Yidhaahdeen Jawigii Coddeynta?

Caasimadda Hargeysa Iyo Cod-Bixintii Shalay

BADHEEDHAHA WARGEYSKA - Doorashadii Shalay Deero-Deero Ma Hardiyin

Maraykanka Oo Sheegay Inuu Guul Ka Gaadhay Dagaalka Uu Kula Jiro Argagixisada

Dawladda Maraykanka Oo Ciidamo Ku Soo Ururisay Waqooyiga Ciraaq, Ciidamada Kaydkana U Yeedhay

Sidee Bay Codbixintu Uga Dhacday Gobolada Dalka

Gurigayga Si Sharci-Darro Ah Ayaa Lagu Dumiyay

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

WAADIGA CIYAARAHA

Feedhyahanka Byrd oo Muquuniyay dhigiisa Holyfield

Goolalkii Carew oo Vallencia Dhaafiyay Villarreal iyo Alaves oo Guulaysatay


Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka 

Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Warbixintii Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Ee Shalay
Goob-joogayaal Reer Yurub ah oo ka Qaybgalay, 3 goobood oo maanta laga coddeynaayo iyo 6 Nin oo xabsiga loo taxaabay

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, Axmed X. Cali Cadami, ayaa 10:30pm ee xalay Shirjaraa’id kaga dhawaaqay in ay si rasmiya u soo gebagebowday u codeyntii Golayaasha Deegaanka ee Somaliland, marka laga reebo 3 goobood oo ka tirsan degmada Lughaya oo maanta codka laga dhiiban doono, sabab la soo darsay shalay awgeed. 

Mudane Axmed X. Cali Cadami, wuxuu shirkaa jaraa’id ee xalay ku sheegay in uu ku kalsoon yahay in boqolkiiba boqol (100%) ay doorashooyinkii deegaanku ku soo gebagaboobeen, si guula iyo in ay ka soo qaybgaleen goobjoogayaal ka socda Midowga Yurub oo tegay gobollada Somaliland ee doorashooyinku ay ka dhacayeen iyo qoraa reer Sweden ah oo isagu Hargeysa jooga.

Gudoomiye Axmed X. Cali, wuxuu kale oo uu sheegay in sida ay u soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka ee Gobolka Togdheer in magaalada Buuhoodle gudaheeda laga cadeeyay shalay doorashooyinkii golaha deegaanka.

Waxa kale oo shirkaa Jaraa’id ku sheegay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinku in khilaaf ka dhacay sanaaduuq rag ka soo qaateen saddex goobood oo ku yaalla degmada Lughaya, awgii in ragii falkaa geystay oo afar Nin ah xabsiga loo gudbiyay, iyadoo 3-daa gooboodna maanta laga codeyn doono degmada Lughaya, iyadoo laga ilaalin doono in gaadiid lagu geeyo dad aan halkaa deganayn.

War ku saabsan raggaa la xidhay oo isna dhinac kale ka soo gaadhay Wargeyska Haatuf, ayaa xusay rag laga soo xidhay deegaanka Ceel Sheekh oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Ammaanku, iyagoo sita sanaaduuqda doorashada, nimankaas oo magacyadoodu kala yihiin:

1. Cabdi Gamuute Ismaaciil, 
2. Yuusuf Cali Banjaawi,
3. Cabdi Muxumed Dhiiriye 
4. Xiis Barre Yuusuf
5. Cabdi Xasan Barre
6. Cabdiqaadir Ibraahim

Khilaafka lagu xidhay raggan, ayaa ka soo jeeda mid hore ugu dhexeeyay dadka ku nool deegaanka Ceel Sheekh iyo Maamulka Degmada Lughaya.

Mr. Axmed X. Cali, wuxuu sharaxaad ka bixiyay in loo ogolaa in ay codkooda dhiibtaan dadka uu wakhtigu ka dhacay xiligii codbixinta iyagu ku jira safafka, laakiin aan la ogalayn cid cusub oo safka gasha ka bacdi xilliga codbixinta, waxaa kale oo uu xusay cabasho dhinaca waraaqaha codbixinta oo ka yimid dhinaca gobolka Togdheer iyo Gobolka Saaxil oo la waayay hal sanduuq, taas oo uu sheegay in sanaadiiqdu ay leeyihiin lambar xidhiidha oo lagu garto ka maqan.

gu dambayn, wuxuu gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinku uu sheegay in cabashooyinka u yimid gudigoodu ay ahaayeen kuwo kooban oo aan wax u dhimmayn anshaxa doorashada loo cadeeyay ee Golayaasha Deegaanka ee degmooyinka Somaliland oo xalay soo geba-gebaowday, lana bilaabay isla xalay tirintii codadka dadkii u cadeeyay lixda urur ee tartamayay.

Top


Hoggaamiyayaasha Ururada Siyaasadda Ee Somaliland Maxay Ka Yidhaahdeen Jawigii Coddeynta?

Hargeysa (Haatuf): Ka dib markii maalintii shalay la soo gebagebeeyey hawshii codaynta ee doorashada golaha degaanka Somaliland ayaanu hogaamiyayaasha ururada siyaasadda wax ka waydiinay sida ay u arkaan xaaladda doorashada, kuwaas oo jawaabo ka bixiyey jawigii doorashada, isla markaana farta ku fiiqay wixii gaol-daloolooyin ah ee u muuqday ilaa hadda.

Inkasta oo ay hogaamiyayaasha ururada siyaasaddu tilmaameen inay doorashadu u dhacday si nabadgelyo ah oo aan qalaan-qal lahayn, isla markaana ay ilaa hadda qayladu yar tahay, hadana waxay tilmaameen waxoogaayo gol-daloolooyin iyo weliba cabashooyin. Laakiin jawaabahoodu waxay guud ahaan ahaayeen kuwo taxader badani ka muuqdo, taas oo ay ku dedaalayeen inaanay hordhicin.

"Marka laga yimaado meelihii laga reebay si wanaagsan oo nabadgelyo ah ayey u dhacday doorashadu, iyadoo ay shacbigu ilaalinayaan nabadgelayda, taasina waxay beeninaysaa werwerkii ama walaacii laga qabay doorashada ee la lahaa dalka doorasho kama dhici karto, aniguna shakhsiyan kalsooni ayaan hore ugu qabay inay doorashadu sidaa u dhacayso, taas oo aanu muddo dheer olole u galay inay doorashadu dhacdo", sidaa waxa yidhi gudoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Laakiin waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi "Way jirtaa waxoogaa dhibaatooyin ah oo laga soo sheegayay meelaha qaarkood, sida meelo safafku aad u dhaadheeraayeen ama socodka safku gaabinayey, balse wadan ay maanta doorasho ugu horayso way ugu heer saraysay, waana hambalyeynayaa ummadda reer Somaliland, weliba anigu waxaan aad u hambalyeynayaa dhalinyarada oo ah cidda aan aad uga baqayey, laakiin aan aad uga maqsuuday sida ay nidaamka iyo nabadgelyada u ilaalinayeen".

Axmed-siilaanyo inkasta oo uu si weyn u soo dhoweeyey hanaankii ay dadweynuhu u codeeyeen, hadana waxa uu farta ku fiiqay waxoogaayo dhaliilo ah, wuxuuna yidhi "Waxa la sheegayey meelo aanay dadkii muraaqibiinta ahaa raacin sanaaduuqdii la geeyey. Waxa kale oo la sheegayey ololihii la yidhi hala joojiyo inuu xisbiga dawladdu meelo ka waday, taas oo ay makarafoono qaateen ama ay safafka qaarkood istaagayeen oo ay lahaayeen ciddaa u codeeya, isla markaana cabashooyinkii I soo gaadhayey waxay u badnaayeen qaar inta badan ka imanaya dhinaca xisbiga isku tiriya dawladda, cabashadaasina ilaa xad waxay gaadhay inuu gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranku u tago madaxweynaha oo uu ku yidhaahdo "Fadlan la hadal wasiiradaada iyo xubnaha ururkaaga oo ha ilaasheen, hana xaq dhowreen nidaamka doorashada", sidaa darteed marka aan la qarinayn eedda inta badani halkaa (UDUB) ayey ka imanaysay, waana ayaan daro". Laakiin intaa ka dib Axmed-siilaanyo waxa la waydiiyey sida ay hadda tahay yididiilada uu ka qabo inuu guul ka helo natiijada codadka, wuxuuna yidhi "Horta xisbi waliba marka la waydiiyo su’aashaa wuxuu yidhaahdaa anaga ayaa ugu fiican ama wax fiican baanu filanaynaa, aniguna kama duwani taa, sidaa darteed waxaanu rajaynaynaa inuu ururkayagu meel fiican ka galo natiijada, aniga oo meel fiican ula jeeda inuu ururkayagu noqdo ururka koowaad ama ka labaad"ayuu yidhi gudoomiyaha KULMIYE, isaga oo intaa ku daray inuu ururkiisu u hogaansami doono natiijada doorashada.

Gudoomiyaha ururka ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) ayaa isna isaga oo ka hadlayo sida uu u arko jawigii uu foodku u dhacay wuxuu yidhi "Guud ahaan foodku waxa uu ku dhacay jawi nabadgelyo, taas oo ay dadweynuhu si nabadgelyo ah u codeeyeen, iyaga oo nabadgelyada iyo nidaamka ilaalinaya". Laakiin gudoomiyaha ASAD, waxa uu isna tilmaamay waxoogaayo dhaliilo ah iyo weliba cabashooyin, wuxuuna yidhi "Waxay ila tahay wixii mad-madow ahi ilaa berito (Maanta) ayey soo wada bixi doonaan oo waynu arki doonaa,, laakiin koley anaga meesha Gebilay la yidhaahdo muraaqibiintayadii waa la soo eryey, waxaanuna arintaa marka hore u gud-binaynaa guddiga doorashada, hadii aanu wax nagu fillan ka waynana waxaanu u gud-bin doonaa maxkamad. Ta kale waxa jirta sanaaduuq laga qaaday halkii ay muraaqibiinta ururadu wada fadhiyeen oo meel gudaha ah la geeyey, sidoo kale magaalada Berbera waxa laga soo sheegayaa laba sanduuq oo la waayey, laakiin markii dambe laga helay gudoomiyaha UDUB ee Berbera, arimahaana waanu eegi doonaa".

Gudoomiyaha ASAD, Saleebaan Maxamuud Aadan mar la wadyiiyey bal inta ay le’eg tahay guusha uu ururkiisu ka filayo natiijada doorashadan wuxuu yidhi "Anagu kalsooni weyn baanu ku qabnaa inay badan yihiin tirada dadka ah ee codkooda siiyey ASAD, balse waynu u fadhinaa".

Musharaxa ururka HORMOOD, Cumar Carte Qaalib ayaa isna isaga oo ka waramaya sida uu u arko doorashadii shalay dhacday wuxuu yidhi "Aad iyo aad baan ugu riyaaqay, una faaninayaa dadkeenu sida bisaylka iyo xilkasnimadu ka muuqato ee ay codkooda u bixiyeen, aad iyo aad baana ugu mahad-naqayaa dadka". Laakiin Cumar Carte waxa uu tilmaamay waxoogaayo dhaliilo ah, wuxuuna yidhi "Waxa jira warar badan oo la isla dhaaf-dhaafayey, taa oo la lahaa wax baa la xaday, arintaana waxaanu u sheegnay guddiga doorashada".

Sidoo kale Cumar Carte isaga oo tilmaamaya inta ay le’eg tahay guusha ay filayaan wuxuu yidhi "Anagu waxaanu aaminsanahay aayaadka ilaahay iyo inshaarooyinkiisa, isla markaana dadkayaga waanu ku kalsoonahay".

"Anigu awelba waxaan lahaa doorashadu way dhacaysaa , laakiin ha arkeen dadkii lahaa ma dhacayso, isla markaana waan ku faraxsanahay sida fiican ee ay u socoto doorashadu"sidaa waxa yidhi, gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali-Waraabe oo shalay u waramayey weriyayaasha, wuxuuna Faysal intaa ku daray inuu rajo wanaagsan ka qabo guusha doorashada. Laakiin ururada SAHAN iyo UDUB nooma ay suurta gelin inaanu hogaamiyayaashooda la kulano.

Top


Caasimadda Hargeysa Iyo Cod-Bixintii Shalay

Hargeysa (Haatuf): Dadweynaha Reer Somaliland ayaa shalay u codeeyey doorashada golayaasha degaanka, taas oo la soo gebageebeeyey cawaysinkii xalay, ka dib markii ay markii bilaabatay 7:00 subaxnimo ee shalay, waxayna doorashadani ka dhacday shan ka mid ah gobolada Somaliland, balse waxaanay ka dhicin gobolka Sool, marka laga reebo degmada Caynaba oo keliya.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayey dadku ka codeeyeen ilaa 70 goobood, waxayna dadku ku jireen safaf dhaadheer, iyadoo ay dadku ku gabal-dhacsadeen safaf dhaadheer oo ay ugu jireen goobaha cod-bixinta doorashada, waxayna doorashadaasi u dhacday si nabadgelyo ah iyo jawi ay xasilooni weyni ka muuqatay. Iyadoo ay cod-bixinta doorashada ka soo qayb galeen goob-joogayaal caalami ahi.
Goob kasta waxa ururada siyaasadda ka joogay hal muraaqib, kuwaas oo ay shaqadoodu ahayd inay la socdaan hubaasha cod-dhiibashada si ay u xaqiijiyaan inuu qof waliba codkiisa mariyey meeshii uu la rabey ama ururkii uu doonayey inuu u codeeyo.

Dhalinyaro iyo haween ayey u badnaayeen dadka codkooda dhiibanayey, kuwaas ooo ay intooda badan ka muuqatay xilksanimo badani, taas oo uu qof waliba masuuliyadiisa gaarka ah iska saarayey ilaalinta nidaamka iyo deganaanshaha hawsha cod-bixinta, waxayna dadku u muuqdeen kuwo aad u danaynaya inay codkooda dhiibtaan.

"Kaadhka qaxootiga ee qamandigaba intaa inka badan baan u taagnaan jiray"sidaa waxa tidhi hooyo saf dheer oo goob ka mid ah goobaha cod-bixinta Hargeysa meel dambe kaga jirta. "Maanta alif baynu ku jirnaa, laakiin waa maalin qiime weyn leh", sidaana waxa yidhi, nin la yidhaahdo Maxamed Saleebaan oo ay weriyayaal Haatuf ahi kula kulmeen saf ka mid ah safafka goobaha cod-bixinta. Sidoo kale nin la yidhaahdo Xuseen Muuse ayaa yidhi "Codkaygii waan dhiibtay, waana markii iigu horaysay ee footeeyo noloshayda", isaga oo ninkaasi intaa ku daray "Doorashadu si fiican bay u socotaa, laakiin waxaan ku talin lahaa in goobaha cod-bixinta la kordhiyo ama waqtiga la kordhiyo". 

"Hooyo ururkaa ayaan doonayaa ee ii calaamadi magaciisa hortiisa", weedhaasi waxay ahayd mid ku badan goobaha cod-bixinta, waayo waxa goobaha cod-bixinta ka soo xaadiray dad badan oo aan waxna akhriyin, waxna qorin, kuwaas oo miciinsanayey hawl-wadeenada goobaha cod-bixinta, taasina inkasta oo la rumaysan yahay inaanay badnayn, hadana waxay dad badani aaminsan yihiin inay mararka qaarkood iska dhacday in qofka loo calaamadiyo urur aan ahayn ururkii uu doonayey. 

Laakiin marka taa laga yimaado waxa meelaha qaarkood ka muuqday safafka oo aad u dhaadheer dadka iyo weliba gaabis xagga hawl-socod siinta ah oo ka muuqday goobaha qaarkood. Sidoo kale inkasta oo marka la eego magaalada Hargeysa ay hawsha cod-bixintu guud ahaan u muuqatay mid si wanaagsan u socatay, hadana taa macneheedu ma aha inaanay haba yaraadeene wax yar oo turxaan ahi jirin. Sidoo darteed waxa jiray goobo maamulkooda dareen saluug leh laga dareemayey, sidoo kale waxa iyadana meelaha qaarkood laga tuhun qabay waxogaa dus-dus ah.

Inkasta oo la odhan karo geedisocodka hawsha codaynta muuqaalkeeda guud kama uu muuqan wax weyn oo laga didaa, laakiin hogaamiyayaasha iyo hawl-wadeenada ururada mucaaradka ah ma dareen la’ayn, iyadoo ay ragga cabanayaa farta ku fiiqayeen dhinaca ururka UDUB. "UDUB aad baa dus-duskeedu u badan yahay, waxayna isticmaalayaan dhaqaale, tusaale ahaan gudoomiyihii baanku waxa oo jooga Ceerigaabo, isaga oo kiish lacag ah sida oo UDUB u ololaynaya" sidaa waxa meel fagaare kaga tiraabay mid ka mid ah siyaasiyiinta ururada mucaaradka ah.

Goobta Gannat oo ka mid ahayd goobaha cod-bixinta Hargeysa ayaa ka mid ahayd meelaha tuhunka laga muujiyey, laakiin mar ay weriyayaal Haatuf ka tirsani booqdeen, kuma ay arag calaamado ama ficilooyin si cad u u muujinaya inuu dus-dus jiro, balse marka laga tegi waayo ilaa laba baabuur oo calaamadda ururka UDUB ku taal ayaa galaabaxayey, laakiin muraaqibiinta ururada ee goobtaa joogay may sheegin wax dareen ah.

Arinta kale ee xusidda mudani waxay tahay khadka cas ee qofkasta oo codeeya la marinayey oo ay dad badani kuu guulaysteen inay iska tirtiraan oo hadii ay doonaan ay mar kale codeeyaan, iyaga oo isticmaalaya qaar ka mid ah dheecaanada la isku qurxiyo. Laakiin guud ahaan hawsha codaynta doorashadu waxay u dhacday si ka wanaagsan sidii ay markii hore dad badani filayeen, taas oo ay dadweynuhu muujiyeen bisayl aad u shilis, iyaga oo u muuqday kuwo aad ugu fara adaygaya ilaalinta xasiloonida, isla markaana danaynaya inay wax doortaan, waxayna guud ahaan hawshii cod-bixintu ku dhamaatay si nabadgelyo ah. Iyadoo ay guddiyada doorashooyinka ee goobaha cod-bixintu xalay cawaysinkii bilbaabeen hawsha tirinta codadka, ka dib markii ay ka soo fan-jeediyeen hawshii cod-bixinta, waxaana cawaysinkii habeen-badhkii soo bax-baxayey dhawaaqyo tibaaxaya dhawr goobood oo la tiriyey sida ay ururadu ugu kala tiro badnaayeen dhinaca codadka, laakiin ilaa hadda may soo bixin tirooyin guud ahaan lagu saadaal qaataa. 

Top


BADHEEDHAHA WARGEYSKA - Doorashadii Shalay Deero-Deero Ma Hardiyin

Laga soo bilaabo bishii march 1969kii, waxay ahayd shalay markii u horeysay ee dalka Somaliland ay ka hirgasho doorasho xor ah oo muwaadiniintu codkooda si madax banaan u cod ritaan iyada oo ilaa waqtiGaas ay dadka reer Somaliland baadi goob ugu jireen halista hanaan dimuqraadiyadeed oo ay ku doortaan hogaamiyeyaasha heer degmo, gobol, iyo qaranba, waxaana la ogsoonyahay in xaqiijinta himiladaasi loo soo maray, halgan dheer oo qadhaadh oo hanti badana ku gubatay geesiyaal badana ku godgaleen iyada oo tobankii sanadood ee u dambeeyayna dadku soo jibaaxeen halgan kale oo ay dhidibada ugu aasayeen qarinimada Jamhuuriyad madax banaan oo dadka ku dhaqda nabad ku wada noolaansho iyo dimuqraadiyada.

Haddaba dhibkastaa ha soo gaadhee waxa maalintii shalay reer Somaliland ka run sheegeen rabitaanka hanaanka xisbiyada badan waxaanay hawl yari u beeneeyeen ra’yiyadii qabay inaanu shacbigu u bislayn doorashada ku salaysan hanaanka xisbiyada badan marka la eego sidii quruxda badnayd ee dadka codkooda u dhiibanayeen shalay, waxay iyaduna astaan u tahay muwaafaqada hodanka ah ee reer Somaliland u dhasheen iyaga oo muujiyay xilkasnimo wadaninimo.

Inkastoo tani ahayd doorashadii dawladaha hoose ee ugu horeysay qaybaha ka hadhay doorashada ee madaxweynaha iyo baarlamaankana la filayo inay sidan oo kale jawi nabadgelo ku dhammaan doonaan, waxa 6-da urur ee shalay martida u ahaa codka dadka ay iyaguna shalay muujiyeen kaalintooda wadaniyeed iyo kartidooda xisbiyeed oo midba mid kale ka laalaadin.

Haddaba inkastoo aanu jiraynin urur qadayaa, haddana waxaa loo baahanyahay marka natiijadu soo baxdo inay u haneeyaan saddexda safka hore u soo baxa, wixii khaladaad yar yar ee la kala tirsanayana lagu simo komishanka doorashooyinka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah oo ay ka taxadiraan wixii nashuushadaynaya doorashadii dhacday dalkana sumcad xumo u soo hoyn kara.

Dhinaca Xukuumadda waxa iyadana la gudboon inay la timaado karti iyo firfircooni dheeraad ah oo ay ku muujinayso dareen wadaninimo iyo dhex-dhexaadnimo isla markaana suurta galin kara inay Caalamka ka iibiso guusha ka dhalatay doorashadii shalay. 

Top


Maraykanka Oo Sheegay Inuu Guul Ka Gaadhay Dagaalka Uu Kula Jiro Argagixisada

Washington (W. Wararka): Afhayeen u hadlay Hay’adda Dambi baadhista Maraykanka FBI, ayaa daboolka ka qaaday in ay ku guulaysteen 100 hawl-gal oo lagula dagaalamayay, waxa uu ugu yeedhay argagixisada tan iyo markii ay dhaceen weeraradii lagu qaaday Maraykanka 11-kii September 2001, kuwaas oo inta badan laga fuliyay dalka Maraykanka dibadiisa.

Arrintani waxay ka dambaysay markii ay Hay’adda Sirdoonka Maraykanka CIA sheegtay in ay dileen ama qabteen, saddex ka mid ah hogaamiyayaasha ururka Al Qaacida.

Afhayeenku, waxa uu intaa ku daray in hawshan ay iska kaashadeen ciidamada Ammaanka ee Maraykanka iyo Hay’adaha Sirdoonku hawlgalada lagu guulaystay. Mar uu ka hadlayeyna, waxa uu soo qaaday xubno uu ku tilmaamay argagixiso oo hore loo qabqabtay, waxaanu intaa ku daray in ay sii wadayaan dagaalka lagu cidhibtirayo argagixisada.

Top


Dawladda Maraykanka Oo Ciidamo Ku Soo Ururisay Waqooyiga Ciraaq, Ciidamada Kaydkana U Yeedhay

Shir Ay Ku Kulmeen Mucaaradka Ciraaq

Anqara (W. Wararka): Kolonyooyin Baabuurta iyo Tawaangida dagaalka, ayaa la sheegay in ay ka soo gudbeen xuduudka Turkiga iyo Ciraaq u dhexeeya, una gudbeen dhinaca Waqooyiga Ciraaq ee ay gacanta ku hayaan kooxaha Mucaaridka Kurdiyiinta ah.

Kolonyooyinkaas oo lagu qiyaasay ilaa 50, waxa ay sideen qalabka milateriga iyo rasaasta, waxa ay ka soo kicitimeen Saldhig uu Maraykanku ku leeyahay Dalka Turkiga oo la yidhaa Andarlek, waxaanay u gudbeen dhinaca dhulka Waqooyiga Ciraaq.

Sidoo kale, waxa ay dawladda Maraykanku ku amartay 27,000 oo askari oo ah ciidamada kaydka ah iyo ciidanka ilaalada maraykanka in ay u diyaar dib ugu soo laabtaan shaqada ama saldhigyada ciidanka, si ay uga qayb qaataan hawl-gal markaa la diyaarin doono, taas oo u eg in dawladda Maraykanku diyaarinay weerar baaxad leh oo uu ku qaado dalka Ciraaq.

Dhinaca kalena, dalka Britain ayaa sheegay inuu u diri doono mandaqadda Khaliijka Carab maraakiibta dagaalka, taas oo uu cadeeyay in aanay ahayn u diyaar garow ama ka qaybqaadato dagaal lagu diyaarinayo in lagu qaado Ciraaq, balse ay tahay dhoolatusyo wada-jir ay ula samaynayaan wax uu ugu yeedhay dawladaha saaxiibka la ah dawladiisa ee ku yaal gacanka Khaliijka.

Dhinaca kale, shir muddo laba maalmood ah uga socday mucaaridka Ciraaq caasimadda dalka Ingiriiska ee London, ayaa maalintii shalay la soo gebagebeeyay. Shirkan oo ay ujeedadiisa ugu weyni tahay sidii ay Mucaaridku qorshe midaysan uga yeelan lahaayeen Mustaqbalka Ciraaq, marka la rido Sadaam Xuseen, waxa ka qaybqaatay ilaa 350 xubnood oo ka kala socday ururada mucaaridka ah ee Ciraaq, kaas oo loogu magac daray "Mustaqbalka Ciraaq iyo Dimuqraadiyadda" mudadii labada maalmood ahayd ee uu shirku socday, waxa lagu doortay gudiyo ka soo shaqeeya sidii loo dhisi lahaa dawlad wadajir ah, marka la rido xukuumadda Sadaam Xuseen.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee ugu ballaadhnaa ee ay isugu yimaadeen mucaaridka Ciraaq, waxa iyaguna ka qaybgalay marti sharaf ka socota dalka Maraykanka iyo dalalka Midowga Yurub.

Top


15 December 2002, Bogee Ayay Ka Gali Doontaa Taariikhda Somaliland?

Faallo - Cumar D. Cumar

Subaxdii shalay ee 15 December 2002 waxay u dareereen doorashooyin aan loo kala hadhin rag iyo dumar dhalin iyo waayeel, madax iyo shicib, si ay dadku codkooda u dhiibtaan waxay ahayd go’aan ay shalay subax dadku guryahooda kala soo tooseen, subaxnimadii horeba waxaa is dhereray goobihii doorashooyinka ee xarunta Somaliland ee Hargeysa laba saf oo mid yahay rag midna dumar, waxaa markiiba muuqanaysay in dadka u soo diyaargaroobay inay codeeyaan iyo shaQaalihii goobaha codeynta ku diyaar ahaan in aanay isku miisaanayn xaga socodsiinta hawshaas codeynta oo ay aad u badnaayeen dadka codeynaya marka la eego cida u shaqaynaysay si ay codkooda u dhiibtaan, arrintani waxay keentay in aanay is dhimin dhererka safafka loo galay goobaha codeyntu, waxay shalay ahayd maalin dadku ay codkooda si toosa uga dhiibta doorasho ay ku kala dooranayeen ururo Siyaasadeed oo tartamaya maamulka deegaanada degmooyinka Somaliland, dhacdadaasi shalay waxay ahayd qaab xoriyadeed tiro badan oo dadka shalay codeeyay aanay hore u arag ama ay da’doodu aad u yarayd xiligii ugu danbaysay Somaliland, codeynta doorashooyinku waxay ahayd qaab Siyaasadeed muddo laga hadal hayay Somaliland oo ku samato baxday in ka badan 10-sanadood qaab beeleed dawladaysan oo lagu xaliyo dhibaatooyinka, laguna maamulo dalka, shaki kuma jiro in ururada siyaasada ee ka qaybgalay loolanka siyaasada ee Somaliland in ay kala kulmeen hawl aad uga ballaadhan tii ay ugu diyaargaroobeen in kaga qaybgalaan. Tartan doorashooyin oo dadku ay codkooda dhiibtaan, sida tii shalay dhacday, dadweynaha reer Somaliland ee codka dhiibanayay ayaa iyagu muujiyay samir, dulqaad iyo rabitaankooda in ay codkooda wax ku doortaan, hase yeeshee muhiimada doorashadii shalay waxay waxtarkeedu ku xidhnaan doonta dhinaca hirgelista nidaamka xisbiyada oo ka hirgala Somaliland iyo ururada ama xisbiyada siyaasada oo noqda kuwo ku tartama wax u qabadka iyo horumarinta dadkooda iyo dalkooda, haddii natiijada soo socota ee doorashooyinka shalay bilowday ay u dhacaan sidaas, markaa 15ka December 2002 ee shalay waxay noqon doontaa maalin u gasha taariikhda horumarka ee Somaliland waxaa iyana midha dhaw oo la goosta noqon karta doorashooyinkan oo ku dhamaada qaab aan lahayn khilaaf, taasoo dadka siyaasada adaroosaana in ay sheegeen wanaajin doonto wajiga Somaliland ee dhinaca aqoonsiga Somaliland xilkasnimada ay muujiyeen dadweynihii codka dhiibanayay ee reer Somaliland shalay waxaa iyagana mid ka weyn looga fadhiyaa siyaasiyiinta ururada ee Somaliland oo looga baahanyahay in aragtidooda, erayadooda, rabitaankooda, fikirkooda intaba ku saleeyaan danta guud ee Qaranka Somaliland, haddii ay sidan yeelaana waa hubaal in 15 December 2002 loo aqoonsan doona maalinta horumarka Somaliland ee la xuso bilawga doorashooyinka ururada siyaasada.

Top


Sidee Bay Codbixintu Uga Dhacday Gobolada Dalka

Hargeysa (Haatuf) codbixinta doorashooyinka golayaasha deegaanka dalka ayaa maalintii shalay si haboon uga dhacday guud ahaanba inta badan gobolada iyo degmooyinka Somaliland. Sida ay ku soo warmayaan weriyayaasha Haatuf uga soo waramaya gobolada dalka maalintii shalay subaxnimadii hore ayay dadku goobaha codbixinta u dareereen iyagoo safaf dhaadheer u galeen xafiisyada codbixinta hortooda, iyadoo aanay safafku is-dhimin ilaa ay ka xidhmayeen goobaha codbixinta fiidnimadii xalay. Marka la isku soo xooriyo guud ahaan codbixintu waxay u dhacday si nabadgelyo ah iyadoo aan la soo sheegin wax qulqulado ama rabshado waaweyn oo wax u dhimi kara habsami u socodka doorashada. 

Marka aynu gobol gobol u eegno sida uu ku soo waramayo Weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/Raxmaan X. Daahir, goobaha codbixinta ee magaalada Berbera oo ay tiradoodu dhantahay 10 goobood ayaa codbixintu si haboon uga dhacday. Waxaase dhibaatada ugu weyn ee dadka soo waajahday waxay ahayd iyagoo kala garanwaayay calaamaha ururada gaar ahaana dadka da’da ah taasoo khalkhal ka galisay sida ay codkooda u bixinayaan. Goob kasta oo ay codbixintu ka dhacaysay waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda ururada siyaasadaa ee kala duwan, iyadoo ay Ciidamada booliskuna amaanka aad u adkeeyeen. Dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayay iyadana codbixintu uga dhacday sidii loogu talo galay, sida uu ku soo waramayo Axmed Aadan oo ka tirsan Haatuf iyadoo ay goobaha codka laga dhiibanayay guud ahaan gobolka Togdheer ay dhamaayeen (160) goobood oo ay 29 ka mid ah ahaayeen magaalada Burco gudaheeda. 

Guud ahaana codbixintu waxay uga dhacday gobolka Togdheer si ay xasilooniyi ku dheehantahay. Degmada Gebiley ayay sidoo kale doorashadu uga dhacday sidii loogu talo galay sida uu ku soo waramay weriye Maxamed Xasan Xuseen iyadoo ay goobaha codka laga dhiibanayay dhamaayeen marka la isku daro deegaanka degmadaasoo dhan 20 goobood oo ay lix ka mid ahi yihiin Gebiley dhexdeeda taasoo ku dhammaatay si nabadgelyo ah. Gobolka Awdal ayaa isagana sidaas si la mid ah doorashadu uga dhacday sida uu ku soo waramay weriye Maxamed Cumar taasoo guud ahaan degmooyinka gobolka Awdal ay codbixintu uga dhacday si xasilooni ah, sida degmooyinka Boorama, Saylac iyo Baki, balse waxaanay doorashadu ka dhicin degmada Lughaya markii ay sanaaduuqdii codbixinta isku qabsadeen Degmada cusub ee Daarasalaam, taasoo hakisay codbixintii degmadaasi.

Waxa kale oo ay sidoo kale doorashadu ka dhacday gobolka Sanaag iyo degmooyinkiisa, balse waxaanay doorasho ka dhicin gobolka Sool marka laga reebo Degmada Caynabo. Sababo nabadgelyo daraadeed. Iyadoo xukuumadu ku soo rogtay xukun degdeg ah.

Guud ahaan marka la isku wada daro doorashadu waxay uga dhacday gobolada dalka oo dhan si xasilooni ah. Iyadoo ay goobaha codbixintu inta badan furmeen 7:00 Am lana soo gabagabeeyay xalay cawaysinkii. Ka dib markii ay xidhantay codbixintu waxa bilaabantay tirinta codadka taasoo natiijadeeda la ogaan doono maalmaha soo socda.

Top


Gurigayga Si Sharci-Darro Ah Ayaa Lagu Dumiyay

Cismaan Cabdi Bare Hargeysa

Aniga oo ah muwaadinka magaciisu yahay Cismaan Cabdi Barre waxa maayarka Burco 27/10/02 si sharci-darro ah ku dumiyay guri aan ku lahaa Burco Xaafada Baarsiigo, gurigaas oo ka koobnaa laba qol oo kala ahaa barkhaar iyo hudheel, sidaa awgeed waxaan ka codsanayaa Madaxda Qaranka, salaadiinta, iyo cadaaladuba inay wax ka qabtaan dulmiGaas sida badheedhka ah la iigu gaystay. Waxaa ka mid ah sharciyada gurigayga go’aan ka soo baxay maxkamada gobolka Togdheer, 8.9.1993kii kaas oo ay maxkamaddu ku cadaynayso in goobtaas aan dhistay aanay ahayn waddo cid hore loo siiyayna aanay jirin, aniga oo ah nin danyar ah noloshiisuna ku tiirsanayd gurigaas, waxaan u arkaa inaan muujiyay adkaysi fara badan sidaa awgeed waxaan codsanayaa in la ii celiyo hantidii layga burburiyay iyo dhulkaygii si aanay dhibaato dambe u dhicin.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991
Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 46aad

Ganat: Miyuu jiray fargalkii laga sheegi jiray?

Mingistu: Haa, gacantiisa ayuu ku xidhnaa, markii labaad ee aan booqday ayaan ku idhi fargalkaaga nasii, ka dibna wuu na siiyey.

Ganat: Markii aad tidhaahdeen far-galkaaga na sii markiiba ma waayahay ayuu idinku yidhi?

Mingistu: Markii hore wuxuu nagu yidhi "Maxaad ku falaysaan", ka dibna waxaanu ku nidhi "Waa laguu soo celinayaa, waayo waxaanu u baahanahay furaha, laakiin hadana wuxuu nagu yidhi "Maxaad maqasheen oo aad furaha u doonaysaan", dabadeedna waxaanu ku nidhi "Boqorow ogaansha waxa aanu u doonaynaa ma wax dhibaato ku jirtaa". Intaa ka dibna "qaata oo hadii aad doontana soo celiya, hadii aad doontana ha soo celinina sida aad doontaan ka yeela"ayuu nagu yidhi, laakiin waanu soo celinaynaa ayaanu ku nidhi, balse shandada markii la furayey anigu maan joogin ee qof baan u dirsaday, markii shandada la furayna waxa laga helay dhokmantis aan waxa ku qoran la fahmi karin, laakiin anigu waxaan u malaynayaa inay dhokmantisyadaasi ahaayeen kuwo sir ah. Ta kale habka uu lacagta u dhigtay waxaan u malaynayaa inay ahayd hab ganacsi ama dhigaal ah, hase yeeshee Jineefa ayaanu dad u dirnay si ay u fasiraan dhokmantiskaa, laakiin waxay nagu soo yidhaahdeen faallo ma leh ama inaanu fasiraad ka bixino ma doonayno. Sidaa darteed markii aanu si walba yeelay ee ay waxba noo suurta geli waayeen ayey mar kale dantu nagu khasabtay inaanu qoyskiisa waydiino lacagtaa, anaga taa waydiinay boqorad Saarah iyo caruurteeda, laakiin waxay noogu jawaabeen "Inay lacagi baananka taallo anagu ma ogin oo nalooma sheegin, hadii ay jirto lacag magacayaga lagu dhigay meel hanala siiyo". 

Laakiin qoyska oo dhan ayaanu meel isugu keenay oo aanu wax ku waydiinay anaga oo aaminsan in hadii aanu meel isugu keeno inay sirtu fashilmayso oo ay debedda ugu soo baxdo, ka dibna markii aanu dhammaantood isu soo ururinay ayaanu ku nidhi "Boqorow dalku marxalad xun ayuu ku jiraa, dadkana waxa haysata dhibaato weyn, isla markaana bangiyada iyo khasnadaha dawladdu waa faaruq, dadka shicibka ahina macaluul ayey u dhimanayaan, ta kale cadawyadi dalka sida Somaliya iyo kuwo kale inta ay bideen ayey na soo hareereeyeen, sidaa darteed dalkii aad u soo halgantay ee aad cid walb ka jeclayd waxa uu maanta marayaa marxalad khatar ah oo loo baahan yahay inaad difaacdo ama aad gacan siiso, hadii lacagtaa u hibaysana dadweynaha waxaad ka helaysaa niyad-sami wanaagsan iyo taariikhdaada oo ay wanaajiso, ta kale waxaanu idiin sheegaynaa inaanu anagu dhokmantiyo helay, isla markaana waxaanu tagnay baanka oo aanu warar ka soo helay, sidaa awgeed lacagtaasi intii ay iska baylihi lahayd waxaanu kaa dalbanaynaa inay dadku isticmaalaan. Laakiin markii aanu intaa nidhi ayey boqorad Tanaanay Warqa halkan ka soo booday oo ay na maagtay, iyadoo tidhi "hayaay, hadii aanu lacag haysano miyaa nala dhici lahaa, anagu miyaanaan caruur lahayn, sidee doonaysaan inay caruurtayadu noqoto", laakiin marka ay sidaa leedahay waxay aniga iigu muuqataa inay lacagi jirto oo ay qiratay, balse iyadoo boqorad Tanaanay Warqa weli qaylinaysa ayuu Imiru (qoyska boqortooyada" hadalka soo dhex-galay oo yidhi "Bla horta u kaadiya oo aynu is maqalo", laakiin tanaanay may joojin hadalkii waxayna tidhi "Ma dhici karto taasi oo nama dhici kartaan, namana boobi kartaan, hadii ay ka fursan waydana inta aanu qarreen debedda ka soo kaxaysano ayaanu idinla dacwiyeynaa", balse Imiru ayaa yidhi "Naa bal adigu u kaadi", sidoo kale waxa iyaduna meesha ka hadashay oo si xun u hadashay boqorad Sahara, markaa anigu aad baan ula yaabay caruurta boqorka, waayo dad wanaagsan muu dhalin.

Qaar kale oo iyaguna qoyska ka mid ah ayaa qaylo la kacay, tusaale ahaan wiil qoyska ka mid ah ayaa isaga oo aniga hadlaya yidhi "Weger maxaa adiga kaa galay, maxaadse ka garanaysaa waxan aad na waydiinayso, ta kale anagu ma doonayno wax ka duwan waxa ay shicibka Itoobiya doonayaan", laakiin markii ay halkaa maraysay ayey gabadh iyo hooyadeed oo qoyska boqortooyada ahi ila dagaalameen, waxaase meesha fadhiyey wiil ay walaalo yihiin oo ahaa nin xishood badan. 

La soco cadadka dambe.

Top


Baxaa-Deggii Jacaylka: Billan Iyo Baxnaan

Q: 24aad - Sheeko Taxane ah - Waxa Qoray Cumar D. Cumar (Japan)

Gaas Saddexle markii loo keenay Bilan oo xanuunsaneysa oo ay soo qaaday walaashii Ruun Saddexle waxaa dhacday in uu Gaas u sheegay walaashii Ruun in uu yahay nin weyn oo waaya araga markii uu lahaa Bilan tashana in uu hagaagsana, Ruun maalintaa may hayn dood saxa oo ay ku qanciso walaalkeed Gaas, sidaas daraadeed waxay ku tidhi Ruun "walaal maantaba waa taase u tali", Bilan waxaa dhagaheeda ka batay dhaliisha la dhaliilayo ninkeeda Baxnaan oo lagu dhaliilayo goobta uu dhigay Bilan, laakiin Bilan iyada weli uma qurqursana Baxnaan baa xun, waxaanay ku tidhaa cidii ay dhageheedu maqlaan ha soo qaadin Baxnaan waa nin wanaagsan", marar ay xubno qoyskooda ka midi ay isku dayeen in ay Bilan ka dhaadhicyaan in Baxnaan uu xumeeyay, oo aanu daacad u ahayn waxay ugu jawaabtay in ayna is arag Baxnaan intii warkan la keenay xanuunkeeda sababay mawqif adkaanta Bilan awgeed waxay Bilan reerkoodu ku xantaan oo ay ku tilmaamaan in ay sixrantahay, in la doorsaday iyo in ay caruur tahay Bilan oo aanu caqligeedu ku filayn, Bilan xataa aabaheed Gaas kama qarsato in ay dib ugu noqonayso ninkeeda Baxnaan marka ay bogsato, dhinaca kale Bilan waxay isweydiisaa Maxaa dhacay ee uu Baxnaan kuula guursaday? Xaguu maray jacaylkii qotada dheeraa ee idinka dhaxeeyay Baxnaan? Muxuu Baxnaan ugu dhaqaaqay fal niyadaada xumeeyay? Baxnaan miyuu xasuusan kari waayay sidii aad ugu hiilisay marar badan? Maxaa dhacay ee jira, Maxaa helay... su’aalaha iyo ereyo kala duwan ayay hoos ahaan nafteedu isu weydiisaa Bilan, laakiin naag ayuu guursaday iyo magaca oo ay hore u maqashay mooyee xog kale kamay maqal sida ay ku timid in Baxnaan mehersado Qaali, haddii xataa ay Bilan hesho sababta dhabta ah ee guurka Baxnaan iyo Qaali, runtii ma aha arrin wanaag ku soo kordhinaysa kalgacaylka ka dhaxeeya Bilan iyo Baxnaan. Baxnaan waxaa sidata bad wuxuu ku dhexjiraa nolol cusub oo aan qorshaha ugu jirin, waxaa unkamay qoys cusub oo reer Baxnaana, waxaa Baxnaan ku adag oo uu fursad u la’yahay sidii uu Bilan ula xidhiidhi oo ay laabtiisu aad u tabayso, inkastoo ay Qaali isku daydo inay farxad galiso Baxnaan oo ay ku raali galin karto haddana dhoola cadayn mooyee Baxnaan laabtiisu kuma maqsuudo sidii uu uga maqsuudi jiray la jooga Bilan, Baxnaan xataa waxay sheekadana ku kala dhaqaaqeen hebaan salal oo ah ninka ay eheladiisa isugu dhawyihiin, wuxuuna Heebaan ku eedeeyay in aanu Baxnaan ahayn nin dawo iyo rajo leh, Heebaan wuxuu Baxnaan ku yidhi "waar ma inantii Kiiniya oo cidkale kugu iman weyday, nafteeda kuu soo biimaysay ayaad sidaa u gashay", Heebaan wuxuu ka dhaqaaqay isagoo leh "haddii aad Bilanba halkaa dhigtay ana waxba I tarimaysid" Heebaan Salal isagoo sii socda ayuu gacmaha ku saydhay Heebaan, waxaanay u muuqatay inuu leeyahay Baxnaan waar naga tag. Baxnaan markii horeba reerkooda reer baashe cirsuge, wax weyn kamay tarin arrimaha guurkiisa, markii ay maqleen arrinta cusub ee uu galayna waxay ku qoreen sidii hore nin aan talo lahayn, Baxnaan hadda marka aanay Qaali la joogin guriga wuxuu aad u dhagaystaa hees u qaado Axmed Cali Cigaal oo ereyadeeda ay ka mid yihiin "Cakuyeey hawl aduun badana ma cidlo ciirsi laan fadhiyaa, cir kaa dheer dhul kaa dheer caways ma kuudada, waaygu ciirsantee taladu cayn wareegsantee anigu, culays baa I saarani allaw, allaw ciilkan iga bixi"

Baydka labaad ee heestan oo cabashadu ku salaysantahay xaga haynta, Baxnaan aad uma sii xiiseeyo waayo mushkilada haysataa maanta ma aha mid dhinaca dhaqaalaha iyo haynta, laakiin waxay ku timid Baxnaan oo dhinac maray dhaqankii looga Baxnaan, nin leh xaas oo ahaa in uu ku ekaado xaaskiisa Baxnaan waxaa ka xoogbatay rabitaanka naftiisa ee habeenkii uu joogay Gebiley ee ay isku goobta u hoydeen Qaali, Baxnaan kamuu fakirin in talaabada habeenkaa uu ku dhaqaaqay ay saamayn weyn ku yeelan doonto noloshiisa, sidii ay doonto sababta guurtka Baxnaan iyo Qaali ha ku yimaadee maanta waa reer isqaba oo weliba ay Qaali leedahay uur, dhinaca kale Qaali qudheedu way jeceshahay Baxnaan waxaana muuqata in dhinaceeda aanay sina u ogolaanayn in uu burburo qoyskoodu cusub ee reer Baxnaan, Qaali iyadu waxay ku kalsoontahay in ay dariiqa jacaylka ku soo ridi karto Baxnaan, waxay ku guulaysatay qorshaheedii hore oo u dhacay sidii ay ugu talo gashay marka la eego Baxnaan oo guursaday Qaali, Baxnaan oo ay guri ku wada nool yihiin iyo Bilan oo hawada ka baxday, Baxnaan sidii Bilan muu arag cid yarad iyo gabaati weydiisa, inta badana xididkiisa cusubi waxay ku maqanyihiin dalalka dibadda, marka laga reebo Incaam Jaamac oo ah da’dii ka yarayd Qaali oo iyadu degan Berbera, hase yeeshee soo booqatay intii ay isguursadeen Qaali iyo Baxnaan.

Top


WAADIGA CIYAARAHA

Ac Milan Oo 32 Dhibcood Ku 
Hogaaminaysa Tartanka Kooxaha Talyaaniga

Milan, Italy (AP): Kooxaha magaalada Laanqayrta ah ee AC Milan Inter Milan, ayaa u hirdamay guusha hogaaminta kala horaynta kooxaha Talyaaniga ciyaaraha kubadda cagta ee Serie A.

Kooxda AC Milan ayaa ka adkaatay Kooxda ugu dambaysa kala horeynta kooxaha Talyaaniga ee Como oo ay 2-1 kaga sii faraqabsatay AC Milan, si ay u gaadho 32-ka dhibcood ee ay ku hogaaminayso kooxaha Talyaaniga. Inter Milan ayaa haysatay 30 dhibcood.

Labadaa kooxood oo ka soo jeeda magaalada Milan, waxay rajaynayaan in korodhsi dheeraada ka helaan ciyaaraha ay ku ciyaari doonaan garoonka Turins delle Albi oo ay la ciyaari doonaan kooxda Juventus ee difaacanaysa horyaalnimada imika loo tartamayo iyo kooxda ee ciyaaraha wacdaraha ku qabta ee Roma.

Massimo Ambrosini, ayaa u dhaliyay gool, goolka kalena isagaa u dhisay oo u dhigay kubadda weeraryahanka Andry Shevshenko, goolashaas ayay guushu ku raacday AC Milan, taas oo ahayd ciyaartii 10aad ee ay ku guulaysato xilli-ciyaareedkan oo ah wareegii 14aad ee ciyaaraha Serie A.

Kooxda Inter Milan ayaa iyadu si qiiro-qiiro leh uga adkaatay oo hal gool kaga badisay kooxda Atalanta, ciyaar lagu ciyaaray San Siro. Waxa goolka qudha ee ay dhalisay kooxda Inter u dhaliyay Mohamed Kallon oo ah nin weerarka uga ciyaara kooxda una dhashay wadanka Sierra-Leone oo ka soo laabtay dhaawac uu hore ciyaaraha ugaga fadhiyay, kadib markii uu qaybtii dambe ciyaarta uu ku soo galay bedel, iyadoo uu ka maqan yahay weeraryahanka Christian Vieri, goolkaas oo dhashay daqiiqadii 70aad ee ciyaartaas.

Dhinaca kale ciyaarihii maalintii shalay dhacay, kooxda As Roma ayaa si xun uga adkaatay kooxda Reggina oo ay u xambaarisay 3gool. Laba gool oo uu dhaliyay Igli Tere oo ah ciyaartoy u dhashay dalka Albania weerarkana ka ciyaara, iyo gool uu u dhaliyay Roberto Baggio oo ah bilanti, ayay kooxda Brescia kaga guulaysatay 3-1 kooxda Perugia.

Empoli waxay iyana 1-0 kaga adkaatay kooxda Modena, Udinese iyo Torino ayaa barbar ku noqday 1-1. Kooxda ayaa iyadu guulweyn la soo hoyatay, kadib markii 2-1 ku dhirbaaxday kooxda Juventus xalay wakhtiyadii dambe.

Ciyaarihii Sabtidii ee Serie A
Kooxda Bologna oo joojisay guulihii Parma
Kooxda Bologna ayaa joojisay guulihii isdaba-jooga ahaa ee Kooxda Parma, kadib markii ay ku dhirbaaxday 2-1, halka ay kooxda Chievo u soo gudubtay kaalinta afraad ee kala horaynta tartanka kooxaha talyaaniga (Serie A), kadib markii ay 3-0 kaga adkaatay kooxda Piancenza maalintii sabtidii doraad.

Bologna ayaa ku guulaysatay in ay laba gool dhashato, iyadoo ay kooxda Parma kaga horeysay goolka oo uu u dhaliyay ciyaaryahanka reer Brazil ee Andreino oo daqiiqadii 27aad u dhaliyay kooxdiisa Parma goolka ay ku hormartay. Laakiinse, ciyaaryahanka reer Argentina ee Julio Cruz ayaa isagu kooxdiisa u saxeexay labada gool ee ay guushu ku raacday Bologna daqiiqadihii 41 iyo 42aad, taas oo uu weeraryahanka Cruz soo galay kaalinta 4aad ee kala horaynta goolasha ciyaaryahanada, isagoo leh 8 gool.

Khasaarahan Parma waa tii ugu horeysay ee afartii ciyaarood ee ugu dambeeyay, ilaa iyo intii ay guul-daradii ugu dambaysay ee ay kooxda AC Milan kaga badisay 2-1, toddobaad kii tobnaad ee xili-ciyaareedkan tartan kooxaha Talyaaniga, dabadeedna ay guulo ka gaadhay ciyaarihii ka dambeeyay oo ay ka guulaysatay kooxaha Roma 2-0 kaga badisay, Torino oo ay 4-0 kaga badisay iyo Rogenia oo ay iyadana kaga badisay 2-0.

Kooxda Bologna ayaa iyadu kaalinta 6aad soo gashay, lehna 26 dhibcood, iyadoo ka dambay dhinaca goolasha kooxaha Chievo iyo Juventus, halka ay kooxda Parma ku jirto Kaalinta 7aad iyadoo leh 22 dhibcood oo keliya.

Chievo 3-0 Piacenza

Kooxda Chievo ee ka soo baxday Verona, ayaa kor u soo kacday dhinaca kala horeynta tartanka kooxaha Talyaaniga ee kubadda Cagta Serie A, kadib markii ay 3-0 kaga adkaatay kooxda Piacenza ciyaatii sabtidii dhexmartay labada kooxood.

Chievo guushii ciyaareed ee ay maalintii Sabtidii guulaysatay, waxay soo gashay kaalinta 4aad ee kala horaynta tartanka kooxaha Talyaaniga ee Serie A, waxaanay la simantahay oo ay isku dhibco yihiin kooxda Juventus oo ah kooxda haysata horyaalnimada kooxaha heerka koowaad ee ay u tartamayaan kooxaha Serie A ee Talyaanigu.

Ivano Della Morte oo dhexda uga ciyaara Chievo, weeraryahanka Oliver Bierhoff ee jarmalka ah iyo Serggio Pellieser, goolasha saddexda ah u kala dhaliyay kooxda Chievo, qaybtii dambe ee ciyaarta.

Kooxda Chievo, ciyaartaasi waxay u ahayd tii 8aad ee ay ku guulaysato xilli-ciyaareedkan, iyadoo leh 26 dhibcood. Kooxdan Chievo, waxay ku dhammaysatay xilli-ciyaareedkii sannadkii hore ee kooxaha Serie A, kaalinta 5aad ee dhinaca kala horeynta.

Top


Feedhyahanka Byrd oo Muquuniyay dhigiisa Holyfield

Feedhyahanka u dhashay Maraykanka ee Chris Byrd, ayaa ka adkaaday feedhyahanka kale ee Evander Holyfield oo isna u dhashay dalka Maraykanka, waxaanu halkaa kaga qaaday horyaalnimada feedhka culus ee Caalamka, kadib markiiay ku kulmeen ciyaar feedh ah oo qaadatay 12 wareeg, taas oo ka dhacday magaalada Atlanta.

Sida ay gudigii ciyaarta dhexdhexaadinaysay oo ahayd saddex xubnood, ayaa ku dhawaaqay guusha Byrd, markii ay ciyaartu socotay 12 wareeg, iyadoo ay ciyaartaasi daawanayeen dad gaadhaya 8,500 oo qof.
Byrd ayaa markiiba u muuqday inuu ka gacan sareeyo Holyfield, isagoo u darandooriyay feedhkiisa degdega ah ee uu ku caanka yahay, waxaanu Byrd liqsiiyay Holyfield 747 feedh oo ay ku dhaceen 252 feedh, halka uu Hollfield la beegsaday Byrd 344 feedh oo ay ku dhaceen 102 feedh.

Byrd oo 32 jir ah, waa markii 35ad ee uu guulaysto, halka uu ka guul daraystay laba goor oo keliya. Holyfield oo 40 jir ah, markani waa markii lixaad ee uu guuldaraysto, halka uu ka guulaystay 38 jeer.

Ciyaartaasi, markii ay dhammaatay ayay labada feedhyahanba cadeeyeen in ay ciyaaraha sii wadi doonaan.

Top


Goolalkii Carew oo Vallencia Dhaafiyay Villarreal iyo Alaves oo Guulaysatay

Madrid, Spain (AP): Ciyaaryahanka John Carew oo inta badan ah kaydka kooxda Valencia, ayaa guul u soo hooyay kooxdiisa, kadib markii uu ciyaartaas isagu lugtiisa ku dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta laba gool oo guushu ku raacday kooxda Valencia iyo kooxda Villarreal oo aan wax goollala dhalin.

Ciyaartoyga John Carew oo u dhashay dalka Norway, kana ciyaara weerarka, wuxuu soo galay ciyaartan daqiiqadi 37aad, wuxuu laba gool ku ruxay shabagii goolka Kooxda Villarreal daqiiqadihii 52aad iyo 62aad. Kooxda Villarreal oo difaacanaysa horyaalnimada kooxaha ee Spanishka, waxay hal dhibic ka dambaysaa kooxda Real Socieded oo hadda hogaanka u haysa tartanka kooxaha Spanishka.

Isla ciyaarihii Sabtidii ee Tartanka kooxaha Spanishka, waxaa 2-0 ku badisay kooxda Alaves oo ka adkaatay kooxda Atletic Madrid.

Ciyaarta dhexmartay maalintii sabtidii ee dorraad kooxaha Valencia iyo Villarreal, waxay ahayd wareegii 14aad ee tartanka kooxaha Isbaanishka, waxaa iyadu 29 dhibcood leh kooxda Real Sociedad oo hadda ugu sareysa tartankaas oo toddobaadkana la ciyaari doonta kooxda Mallarco. Kooxda Valencia, ayaa iyana leh 28 dhibcood, Celta de Vigo ayaa iyadu haysata 24 dhibcood, Real Betia iyo Mallarco, ayaa iyagana koox walba ay urursatay 23 dhibcood, Real Madrid iyadu waxay leedahay 21 dhibcood.

Kooxda Valencia, waxay tabaysaa 7 ciyaartoy oo kaga maqan dhaawacyo gaadhay oo uu ka mid yahay goolhaye Santiago Canizares, Curro Torres oo difaaca ka ciyaara, Vicente Rodriguez iyo Ruben Baraga oo iyaguna ganaax ciyaareed u fadhiya.

Daqiiqadii 37aad ee ciyaarta markii la badalay David Albelda oo khadka dhexe uga ciyaara Valencia iyo Miguel Angel Angulo oo weerarka Valencia ah oo lagu soo bedelay John Carew iyo Ximo Enguis, waxaa la faliyay in ciyaarta Valencia ay hoos u dhacdo. Laakiin labada gool ee uu dhaliyay Carew, ayaa taa beenisay guushana raacisay kooxda Valencia ciyaartaas.

Top