Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 231 December 24, 2002

Badheedhaha Wargeyska

"Waan Gelayaa Doorahada Madaxweynaha, Wixii Ay Noqotana Waan Ku Qancayaa Oo Kama Murmi Doono"

Ururka KULMIYE Oo UDUB Iyo Xukuumadda Si Kulul Ugu Cambaareeyay In Ay Musuq-Maasuqeen Doorashadii

"UCID Iyo ASAD May Lahayn Awood Ay Wax Ku Musuq-Maasuqaan, Laakiin Ururrada Kale.."

Masuuliyiinta Somaliland Oo Beeniyay War Ku Soo Baxay Wargeyska Al-Khaliij

Falaagada Kongo Oo Beeniyay Inay Maxaabiista Ku Khasbaan Cunista Hilibka Dadka

Jarmalka Oo Ka Digay Dagaal Lagu Qaado Ciraaq

Naqshada Map-ka Somaliland Oo Dhul Laga Xaday

Barnaamijka Horumarinta Adduunka ee Qaramada Midoobay (MDG)

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Halkee Ayey Ku Dambeysey Dacwaddii Ku Oognayd Dambbiilayaashii Dagaalka (The War Criminals)

Raadyow Ma Qaloocshe

ODHAAHDA AKHRISTAHA

Dhiiranaanta Badan Iyo Dhaga Adayga Badan Waa Lagu Lumaa

Dedaalkii Shacbigu Mee?


Badheedhaha Wargeyska

Somaliland In Ay Gaadho Dimuqraadiyad Aan Dhaliilo Lahayn Intay Qaadan Kartaa?

warbaahinta dunida oo horumar laga gaadhay, gaadiidka kala duwan ee dunida iskaga goosha iyo qaabka waxbarasho ee inta badan dunida a y iskaga mid tahay, inkastoo l uqadaha ay ardaydu dhigtaan ay kala duwan yihiin, ayaa la odhan karaa waa sababaha keenay in dunidu ay isu gudbiso habdhaqano farabadan. Somaliland oo dadkeedu ka mid yihiin dadyowga adduunka ee aan afkoodu qornayn muddo dheer, waxaan inta badan jirin qoraalo kayda oo laga akhriyo wixii ay taariikho hore soo mareen, laakiin waxay wax iskug gudbin jireen sheekooyin ay da’ba da’da kale u gudbin jirtay, marka la eego arrin ay dadka reer Somaliland la wadaagaan quruumihii qadiimigi ahaa ee dunida, sida Hindida Cas ee Maraykanka, gaar ahaan Iroquois (Irikwaska) oo ay iska shabaheen aqal soomaaliga iyo labada go’ ee cadcad oo ku caan ah quruumo ilaa 2500 oo sano ah ka hor ku noollaa dunida, waxaa soo baxaysa in ay dadka ku nool Somaliland ka soo jeedaan Quruun noolleyd xilli fog oo la wadaaga dadyowga kale ee dunida isbeddelada nololleed ee sameeyay, waa hab ay dunidu hadda qaadatay in qaab dimuqraadiya loo doorto Maamulka ummadda hogaaminaya, waa qaab wanaagsan oo ay tijaabiyeen dalalka ku dhaqmay. 

Laakiin, sidii si dhaba uu uga hirgeli lahaa dalalka soo koraya ee Somaliland ka mid tahay, waa mid weli su’aalo badan la iska weydiiyo sida ay dimuqraadiyad dhammaystirana uga hirgeli karto, laakiin marka la eego Somaliland qaabka ay ilaa 1991-2002 ay Saddex Madaxweyne qaab sharciya isu beddeleen, waa arrin muujin karta qaab dhaqan dimuqraadiyad oo ka jira Somaliland. Ilaa maanta Somaliland, waxay tahay meel ka nidaam wanaagsan dalal badan oo haysta aqoonsi caalamiya iyo fursado horumarineed oo kale marka la eego dhinaca Siyaasadda Somaliland ee ku jaan go’an duruufaheeda dimuqraadigana ah. Haddii ay dunidu dhiirigelinayso Dimuqraadiyada Maamul, waxay ahayd in Caalamku aqoonsado Somaliland, si loo dhiirigeliyo in dimuqraadiyada ay ka hirgasho Afrika iyo dalalka kale e dunida saddexaad. Waxaa iyana caawin lahayd in ay adkaadaan tiirarka nidaamka xoriyadeed ee dimuqraadiga ah ee Somaliland, badhitaar dhaqaale oo la siiyo ciidamada ammaanka, hay’adaha sharciga, si loo yareeyo nugayl ku dhaqanka sharci ee dhaqaale daradu keeni karto, waxbarasho tayo leh oo lagu baahiyo deegaamada Somaliland, waxay ahaan lahayd mid kor u qaada tirada dadka wax bartay ee Somaliland, taas oo si dadban u taageerayso korinta garaadka qof ee dhinaca xuquuqdiisa, talo dhiibasho iyo go’aan qaadasho.

Marka arrintaa la dhuuxo, waxay noqon kartaa, sababo ka mid ah wixii dhaliil ka iman kara Somaliland oo laga hirgelinayo nidaam xisbiyo badan iyo doorashooyin oo ay qaarkood dhaceen, kuwana la rajaynayo in ay dhacaan.

Guusha Somaliland, waxay la mataano noqon doontaa, iyadoo la iswaafijiyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay ku dhaqankiisa iyo duruufaha dhaqan, kuwa nabadeed iyo heerka waxbarasho ee ummadda ku nool Somaliland aqlabiyadeeda, waa laga maarmaan in xaalad walba loo adeego danta guud ee ummadda, samirka, dulqaadka iyo qunyar-socodku waa tallaabooyinka ay Somaliland kaga badbaaday wixii ka dhacay sannadihii tegay Muqdisho iyo meelo la mid ah. Marka wax badan laga qabto waxbarashada iyo horumarinta dhinaca nolosha ee dad reer Somaliland, xilligaa ayay iila muuqataa in ay ka hirgeli doonto dimuqraadiyad ka dhaliilo yar tan hadda ka jirta Somaliland oo iyada qudheedu ah mid aad uga horumarsan nidaamka maamul ee ka jira meelo badan oo dunida ah.

Top


"Waan Gelayaa Doorahada Madaxweynaha, Wixii Ay Noqotana Waan Ku Qancayaa Oo Kama Murmi Doono"

"Waxaa Jira Looyaro aanu u qabanay Qadiyadda Somaliland oo imika jooga Heeg (Maxkamadda Adduunka)"

Shir-Jaraa’id - Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale, ayaa shalay shirjaraa’id ku qaabilay Weriyayaal ka kala socda saxaafadda Madaxabanaan iyo tan dawlada ee Somaliland.

Shirkaa Jaraa’id oo barqanimadii shalay ka dhacay qasriga madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa, wuxuuna Madaxweyne Rayaale hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi; "Maadaama ay aqoonta doorasho inagu yarayd, doorasho aan galno wakhti inoogu dambeysay ay fogeyd, maadaama waayo-aragnimadu ay inagu yarayd oo dadkaasi si wadaniyada ay xilkooda u guteen, dadka reer Somaliland doorashada sida ay uga qaybgaleen horta waan uga mahadnaqayaa, beeshiina saxaafaddana sidii aad uga qaybgasheen, idinkana waan idiinka mahadnaqayaa. Waxaan kale oo aan uga mahadnaqayaa ururada iyaga laftoodu xamaasad la’aantii ay doorashada uga qaybgaleen ee wanaaga ahaydna waan uga mahadnaqayaa, waxaanu rajaynayaa kuwa kalena ee soo socdana dadweynaha reer Somaliland, sidaa iyo si la mida in ay uga qaybgalaan. Waayo, markhaati waxa inoo ah dadkii ajanabiga ahaa ee inala joogay, waxay ku noqotay mucjiso sidaan doorashada u sameeyay la inagama filayn in aan nidaamkii ay u socotay iyo sidii ay u socotay, runtii dardaarankii aanu u gudbinay dadweynaha reer Somaliland ee ahaa in ay nabad ku codeeyaan, way qaateen waa wax ummadda reer Somaliland ay ku faani karto, waxaanan qabaa Taariikh cusub oo ay ummaddani gashay in ay tahay. Dad badan oo la ina barbar dhigayay aan filaayo in aan la ina barbar dhigayn, Illaahayna mahada wuu leeyahay oo hadduu wadada si fiican kuugu hagaajiyo ayuun baad wax fiican gaadhi karaysaa."

Mahadnaqaa ka dib, Madaxweyne Rayaale, wuxuu shirkaa Jaraa’id ee shalay kaga jawaabay su’aalo ay Weriyayaashu weydiiyeen oo u dhacay sidan:

S: Madaxweyne, waxaa suuqa soo galaysa doorashadii Madaxweynimadu in ay qabsoomi doonto iyo in kale, Ma waxbaa iska beddelay arrintaa?

J: Anigu kolayba doorasha kasta wakhtibay lahayd, waxayna ku haboontahay mid kasta wakhtigeedii in la qabto ayaan anigu u arkaa in ay dawo tahay, waayo wixii agaba haddii loo hayo ee lagu qabanayay, waayo anigu ma qabo wax wakhti loo lumiyo, waxaanse anigu qabaa in ay wakhtigeeda qabsoonto.

S: Tan dhacday lafteeda Madmadow baa ku jira baa la yidhi, taa maxaad ka odhanaysaa iyada?

J: Dee horta komishinbaa inooga masuul ahaa oo inoo maamulaayay, waxaanan u malaynayaa 7 cisho ayay qaadatay in lagu soo saaro natiijada, intaaba siday sheegin komushinku cidaa murmays way qancinayeen baan filayaa. Anigu odhan mayo waa lagu shubtay iyo laguma shuban, laakiin meesha waxaa joogay dad komishinka ka masuula, xisbi kasta wakiilkiisii baa joogay, way soo saxeexeen, meel uu soo saxeexay ninka muraaqibka xisbiga u ah oo uu yidhi, si saxa bay u dhacday doorashadaasi sanduuqaa oo uu goob-joogihiisii soo saxeexay, inuu haddana ka daba hadlay. Anigu, waxaan u arkay in ay nasiib daro noqonayso taasi.

S: Mudane Madaxweyne, waxaa jirtay in aad Senegaal safar ku tageyso, safarkaa nooga warran?

J: Wuu jiraa safarkaasi, laakiin waxaan ka doorbiday in aan Saddex Wasiir sii hor diro oo qaybta hore ah (first part), anna waan ka daba tegi doonaa.

S: Mudane Madaxweyne, Guushan balaadhan ee uu ururkaagu gaadhay doorashooyinka Deegaanka, sided u aragtaa?

J: Run ahaantii, waxaa u arkaa in ay taageero dadweyne tahay baan u arkaa, wax dheeraada oo aan anigu keenay uma arko UDUB ahaan.

S: Maadaama aad guushan gaadheen, maxaad ka filaysaa kuwa Baarlamaanka iyo Madaxweynenimada?

J: Horta Illaahay baa bixiya guushoo dhan, cid keenta oo xoog ku keenta, cid digdig ku keenta midna ma jirto. Markaa Illaahay wuxuu ka dhigo uun baan rajaynaynaa.

S: Madaxweyne, waxaad sheegtay xaalad degdegga in aad ku soo rogtay Sool, Baarlamaankuna way ansixiyeen, markaa nooca xaaladda degdegga ahi, manoo faahfaahin kartaa?

J: Kolay meeshaasi cadow shisheeye inuu inagu soo weeraray waan ognahay, markaa in loo diyaargaroobo xaaladda meeshaas sidaan u sugi lahayn, ilaa xadkeenii iyo xuduudkeenii weeyi xaaladda degdegga ah, waxaa ugu soo rognay.

S: Madaxweyne, dhowaan Baarlamaanku waxay u saareen guddi soo baadhaysa waxyaalihii ka dhacay safarkaagii, sided u aragtaa arrintii Baarlamaanku Ansixiyay (Approved)?

J: Walaahi ma xuma hadday baadhayaan, mushkilad ma leh waxay baadhayaan (No Problem).

S: Adigu waxaad tahay Madaxweynihii dalka, isla markaa waxaad tahay gudoomiyaha ururka UDUB, miyaanay meesha ku jirin maadaama ay ina saamaynayaan (cabashadii natiijadii doorashada ee ururada qaarkood) guusheenaa weyn ee aynu gaadhnay ay dhantaali karaan, in aad ka odayayso oo aad wax ka qabato ood matalan u yeedho ururadii ood la hadasho, si aanu dalku u gelin carqalad?

J: Way fiicantahay, laakiin weli anniga ima ayba soo gaadhin, doorashada sideedaba gudigaas ayaa inooga masuul ahaa (Commission), xor ayay ahaayeen (free), wax farogelina oo aan ku sameynayay may jirin (interference), dacwad hadday noqotana waxaa loo dacwoonayay maxkamadda distooriga ah, qof hadduu dacwad qabo nidaam uu maro iyo maxkamad distuuriya ayaa u samaysan (Procedure), maxkamaddu markay xukunkeeda rido inuu qofku ka qanco weeyaan, mid labaad meel kastoo adduunka ah, Maraykan baad ogayd shalay Florida oo laysku haysto wadankii adduunka ugu horumarsanaa, markaa inagoo Somaliland ah, cabasho in ay imanayso ama gar ha noqoto ama gar yay noqone, waa wax la fili karo, anigu waxaan qabaa cabashadu in ay noqoto mid waaqici ah oo wax la taaban karo ku fadhida, haddii ayna waaqici ku fadhiyin markaas waxaa ku talin lahaa in ay iska qancaan ragga walaalaheena, koley ciduunbaa badin lahayd.

S: Madaxweyne, waxaad ku soo beegantay xilli adag oo laga guurayo xilli beelleed oo loo guurayo xilli xisbi, sideebaad arrintaa u waajahaysaa?

J: Walaahi sidaan u waajahay waanigaa waday doorashadii waday ee la igu yidhi ha laguu kordhiyo ee aan idhi ‘waar la kordhin mayo ee Somaliland aan horta iibgeyno, in badan baan kolba mudda uun korodhsaneynay, waxbana waan noqon waynay, nidaam kan ka duwan aan u galno’ ayaa idhi, weliba waxaan ballanqaaday xataa inaan helo daruuri maaha, ayaan anigu ballanqaaday, inaan helo iyio inaan helinba anigu inaan waajibkaa yaalla ee ummaddu ay sugayso in la fuliyo baan anigu go’aan ka dhigtay.
Madaxweyne Rayaale, waxa kale oo uu shirkaas Jaraa’id ku sheegay in doorashooyinkii deegaanka ay ka soo qaybgaleen goobjoogayaal iyo diblomaasiyiin ka yimid dalka dibadiisa iyo in ay dawladu Garyaqaano u qabatay qadiyadda Somaliland oo Maxkamadda Caalamiga ah ee Hague ka wada qadiyadda Somaliland.

Madaxweyne Rayaale, wuxuu sheegay in aanu jirin xidhiidh iyo saldhig ay Maraykanka iyo Israa’iil kala soo xidhiidheen Somaliland. Waxa kale oo uu Madaxweyne Rayaale sheegay in uu isu taagayo doorashooyinka Madaxweynenimo ee Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi; "Horta Illaahaybaa cida soo baxaysa haya, waan galayaa horta doorashada, ta Madaxweynaha waan gelayaa, wixii ay noqotana waan ku qancayaa ee kama murmi doono, haddii aan ku soo baxo iyo haddaan ku soo bixi waayo."

Top


Ururka KULMIYE Oo UDUB Iyo Xukuumadda Si Kulul Ugu Cambaareeyay In Ay Musuq-Maasuqeen Doorashadii

"Dalka waxaanu uga baqaynaa Hangashtii Iyo Faqashtii"

Shir-Jaraa’id - Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Haatuf): Urur-siyaasadeedka KULMIYE ayaa ururka UDUB iyo Xukuumadda madaxweyne Rayaale ku eedeeyey inay doorashadii golayaasha degaanka ee Somaliland ka dhacday 15-kii Diisembar, 2002 u isticmaaleen awooddii iyo haybaddii Qaranka, iyagu oo xukuumadda iyo ururka UDUB ku tilmaamay kuwo isku millan oo talada dawladeed ee ay gacanta ku hayaan uga faa’iidaystay danahooda gaarka ah ee siyaasadeed.

Hadal uu xalay fiidkii soo saaray gudoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayuu kaga hadlay arimo badan oo la xidhiidha doorashadii golayaasha degaanka ee dalka ka dhacday, isaga oo tilmaamay inay xiligii cod-bixinta doorashada dhaceen ku-shubasho iyo fool-xumooyin kale, sidoo kalena waxa uu xusay qaloocyo intaa ka badan oo uu ku eedeeyey dawladda iyo ururkeeda UDUB.

Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo saxaafadda ku qaabilay gurigiisa ugu horayn waxa uu kulankaa ka akhriyey qoraal saxaafadda loogu talo galay, wuxuuna qoraalkaasi ugu horayn yidhi "Ururka KULMIYE waxa uu dhammaan ummadda reer Somaliland ku hambalyeynayaa sidii nabadgelyada iyo xil-kasnimada lahayd ee ay codkooda u dhiibteen, wuxuuna ururku si gaar ah ugu hambalyeynayaa, uguna mahad naqayaa dadkii taageerayaashiisa ahaa ee u codeeyey si uu KULMIYE u gaadho guusha hordhaca ah ee uu xisbinimada ugu gudbay". 

Sidoo kale ururka KULMIYE waxa kale oo uu bogaadiyey ururada siyaasadda Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo si xil-kasnimo iyo wadaniyadi ka muuqato u dabakhay ololihii doorashada dawladaha hoose, laakiin ururka KULMIYE waxa uu bogaadintiisa ka reebay ururka UDUB, laakiin gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo waxa uu u mahad naqay guddiga doorashooyinka.

Ururka KULMIYE waxa kale oo uu sheegay inay urur ahaan ku niyadsan yahay nidaamka xisbiyada badan ee ay Somaliland u gudubtay, waxayna qoraalkooda ku yidhaahdeen "Maanta ayey luxudka qabanayaan geesiyaashii kumanaanka ahaa ee dalkan naftooda u soo huray, isla markaana ay naafada iyo agoomaha rajo gelinaysaa sida xilkasnimada leh ee ay Somaliland hawshan u gudatay". Hase yeeshee ururka KULMIYE intaa ka dib waxa uu xukuumadda iyo ururka UDUB ku canbaareeyey inay si fool-xun u isticmaaleen awooddii dawladda ee dadka ka dhexaysay, iyaga oo yidhi "Ururka KULMIYE waxa uu canbaaraynayaa sidii foosha xumayd ee ay xukuumadda iyo ururka UDUB u isticmaaleen awoodda iyo karaamada qaran ee loo siman yahay, iyaga oo taa uga faa’iidaysanaya danahooda siyaasadeed ee xukun haysashada ah, taas oo ka soo horjeeda distoorka, xeerka doorashada iyo xeer hoosaadkii ay ururada siyaasaddu kala saxeexdeen". Laakiin ururka KULMIYE isaga oo tilmaamaya eedaha uu sheegay inay dhaceen xiligii doorashada waxay qoraalkooda ku yidhaahdeen "Eedaha dhacay waxa ka mid ahaa:

  1. Hanjabaad, cagojuglayn, xil ka qaadis iyo Eri loo geystay shaqaale dawladeed iyo ciidan si ay ugu codeeyaan UDUB, taasina waxay ka hor-imanaysaa xuquuqda muwaadinka ee distooriga ah, isla markaana waa arin khatar ku ah dimoqraadiyadda, iyadoo ay ilaa hadda na soo gaadhayso inay socdaan olole lagu qaadayo shaqaalihii iyo askartii aan u codayn UDUB.

  2. Sidoo kale waxay sameeyeen ku shubasho baahday oo saamaysay wadanka oo dhan, 3- Waxa kale oo ay xukuumadda iyo UDUB si gaar ah ugu takri faleen lacagtii, awooddii iyo ciidamadii si ay u fushadaan danahooda siyaasadeed". 

Ururka KULMIYE, inkasta oo uu tilmaamay eedaha iyo fool-xumooyinka kor ku xusan, hadana waxa uu cadeeyey inuu ku qanacsan yahay natiijada ka soo baxday doorashadii dawladaha hoose, iyaga oo yidhi "Si kastaba ha ahaatee ururka KULMIYE, isaga oo wax walba ka hor-marinaya danta guud ee Qaranka waxa uu ogolaaday natiijooyinka ka soo baxay doorashooyinkii qabsoomay ee dawladaha hoose". Hase yeeshee ururka KULMIYE waxa uu ku taliyey in si dhakhso ah wax looga qabto gefafkii dhacay ee doorashada la xidhiidhay, laakiin iyaga oo tilmaamaya waxyaalaha ay u arkaan in wax laga qabto waxay qoraalkooda ku yidhaahdeen "Ururka KULMIYE waxa uu ku talinayaa, una soo jeedinayaa ummadda reer Somaliland, gaar ahaan ururada siyaasadda inay si degdeg ah xal ugu helaan dembiyadii dhacay, anaga oo soo jeedinayna: 

  1. Waa in si wada jir ah oo wadaninimo leh xal ugu helaan inaanay mar dambe dhicin boobkii iyo fool-xumadii ay sameeyeen UDUB ioy xukuumadda isku millani. 2- Waa in loo hawl-galo sidii loo xaqiijin lahaa in awoodda qaranimo (Ta dhaqaale, ciidan iyo maamul) ay dhex u noqoto xisbiyada siyaasiga ah. 

  2. Guddiga dooraashooyinku waa inay waayo-aragnimo ka korodhsadaan wixii dhacay oo ay ummadda ugu soo bandhigaan wixii gefef ahaa ee dhacay"ayey qoraalkooda ku soo xidheen, laakiin weriyayaasha ayaa gudoomiyaha ururka KULMIYE, Axmed Siilaanyo su’aalo ka waydiiyey arimaha uu ka hadlay.

"Iminka ayaanu u fadhinaa istaraatijiyaddii aanu ka qaadan lahayn doorashada soo socota, waxaanuna aaminsanahay in doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka oo ah doorashada ku xigta doorashada dhacday la qabto waqtigii loogu talo galay, hadii uu xisbigaygu ii gartana diyaar baan u ahay inaan noqdo musharaxa madaxweynaha ururka"ayuu yidhi Axmed Siilaanyo isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd ku talo galka ururkiisa ee mustaqbalka dhow, isaga oo sheegay in hadda wixii laga yeelayo arimaha ay yihiin talo u taal ururada soo baxa, wuxuuna ka digay inaanay qaladaadkii dhacay noqon kuwo sii jira oo hadhow carqalad ku noqon kara doorashooyinka dambe. Laakiin Axmed Siilaanyo mar la waydiiyey eedaha uu u jeediyey ururka UDUB iyo xukuumadda inay wax cadayn ah u hayaan wuxuu yidhi "Waxaas oo dhan waanu haynaa dhokmantiskoodii, waana wax iska cad, horena intii aan doorashadu dhicin ururadu way ka sii hadleen inaanay isku milanka dawladda iyo UDUB ahayn wax caafimaad qab keenaya, laakiin arimahaa iyaga oo qoraal ah ayaanu keeni doonaa".

"Guri dawladdu leedahay waan ku jiraa, laakiin gurigaa mana boobin, mana dhicin, waxaase laygu siiyey halgankii, waxaana haystaa waraaqdii uu madaxweynuhu ii qoray, gurigana siyaasad ugama faa’iidaysan, sidoo kale baabuurkana waraaq sharci ah oo laygu siiyey ayaan oo weliba laygu khasbay ayaan ku haystaa ee ma aha mid aan dhacay iyo mid aan boobay toona, ta kale wixii dhul dawladdu lahayd ee la boobay ee la bixiyey ma gaadhiga qanaxa ah ee aanan anigu codsan ee uu madaxweynihii hore yidhi gaadhigaa waad haysanaysaa iyo gurigaa halganka laygu siiyey m aha wax macno leh oo ummadda oo dhami way ku wada jirtaa. Laakiin hantidii Qaranka ee boqolaalka milyan ahayd iyo guryihii Qaranka qaar baa qaatay oo guryo waaweyn ka dhistay, wershadihii qaatay, haamihii qaatay, laakiin anigu wax aan qaatay iyo wax aan boobay toona ma jirto, balse waxa cad ee ay ummaddu u jeedo ee gaadiid leh ee lacag leh, taasi ma aha wax la dafiri karo"ayuu yidhi gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo, isaga oo ka jawaabaya su’aal uu nin weriye ahi waydiiyey oo ahayd in Axmed Siilaanyo laftiisa ay dadka qaar leeyihiin waxa uu ka faa’iidaysanayaa hanti ummadeed. 

Waxa jiray saddex ka mid ah lixda urur ee u tartamaya doorashadii golaha degaanka oo soo jeediyey dhaliilo badan, kuna baaqay inaanay guddiga doorashooyinku ku degdegin soo saarista qiimaynta ururada lagu kala saarayo, sidaa darteed Axmed Siilaanyo mar la waydiiyey bal sida uu taa u arko wuxuu ku jawaabay "Saddexda urur ee sidaa soo jeediyey xaq bay u leeyihiin, waayo waxay sheeganayaan cabashooyin, waxa ay ku cabanayaana qaar badan oo aanu la qabno oo aanu ka midaysanahay ayaa jira, waxyaalo ay gaar ahaan uga cabanayaana way jiraan". Laakiin waxa kale oo la waydiiyey bal ururkiisa laftiisu inuu ka bed-qabo iyo inkale ku shubashada baahday ee dhinaca doorashada wuxuu yidhi "Ururka KULMIYE wuu ka bed-qabaa ku shubashada, awoodaana maba lahayn, waana urur meel kasta oo dalka ka mid ah si xalaal ah iyo si sharaf leh uga soo baxay", sidoo kale waxa gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo la waydiiyey su’aal ahayd "Waxa jira warar sheegaya debedaha waxaad kaga maxaafasataan oo aad lacagta kaga urursataan magaca ururkii SNM oo aydaan magca KULMIYE waxb kuma doonan, arintaa maxaad ka odhan ?", laakiin waxa uu su’aashaa kaga jawaabay "Arintaasi waa been aad adigu (Weriyaha) sheegayso, magaca SNM kuma maxaafsano, dadka debedaha waydiiya, ta kale ururka SNM gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ayaan ahay, markaa waa dhab ummaddii aanu u soo halganay iyo kuwii aanu soo wada halganay si cad bay noogu hiilisay intii dalka u soo halgantayna waa walaalahayo, waanuna ku faanaynaa inay na taageeraan iyo inay dhaqaale noo soo diraan, laakiin wixii hangashta iyo faqashta ahaa ayaa na caayey oo wax naga sheega, iminkana waxaanu dalka uga baqaynaa inay hangashtii iyo faqashtii dib noo qabsato".

Top


"UCID Iyo ASAD May Lahayn Awood Ay Wax Ku Musuq-Maasuqaan, Laakiin Ururrada Kale.."

Wareysi Khaas ah - Gudoomiyaha Ururka UCID 

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha urur-siyaasadeedka UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa markii u horaysay ka hadlay sida uu arko natiijada ka soo baxday doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka dhacday 15-kii Diisambar, isla markaana waxa uu jawaabo ka bixiyey sida uu arko cabashooyinka la xidhiidha doorashooyinka ee ka soo yeedhay ururada qaarkood iyo arimo kale oo ku saabsan doorashadii dhacday iyo dareemada ka soo baxday. Laakiin dhinaca kalena gudoomiyaha ururka UCID waxa uu xalay ka qayb galay xaflad ay isugu yimaadeen taageerayaasha ururka UCID, xafladaas oo ay ujeedadeedu ahayd inay isugu hambalyeeyaan doorashadii ka dib. Laakiin gudoomiyaha ururka UCID, Faysal Cali-Waraabe xafladaa ka dib oo ahayd xalay caweysinkii ayuu wargeyska Haatuf waraysi khaas ah la yeeshay, waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Ururada qaarkood waxa ka soo yeedhay cabashooyin ay leeyihiin waxa la musuqmaasuqay doorashadii, adigu sidee baad taa u aragtaa?

J: Horta doorashadani waa tii inoogu horaysay. Sida darteed dal-daloolo laga waayi maayo, laakiin musuqmaasuq loola kacay iima muuqdo aniga, inkasta oo ay naxdin leedahay tirada codadka ee uu helay ururka UDUB, taaso uu dadkii codeeyey 50% qaatay, taasina aad iyo aad bay aniga shaki weyn ii gelisay, sidoo kalena adduunka iyo dadka reer Somaliland-ba waa tiro shaki weyn geli karta. isla markaana hadii ay doorashada dambe sidaas oo kale u dhacdo khatar ayey keenaysaa, balse weli iima cadda sida uu ururka UDUB ku helay tirada intaa le’eg inay tahay mid musuqmaasuq ku timi iyo inay tahay mid si kale ku timi.

S: Ururkaaga UCID laftiisa waxa la leeyahay qayb weyn ayuu ka qaatay ku shubashada dhacday, taa maxaa ka jira?

J: Anigu waxaan qabaa, aduunkuna ka markhaati yahay inaanu nahay ururka ugu nadiifsanaa ee aan waxba ku shubanin, waayo horta anagu qabiil kuma aanu tiirsanayn oo tollaay cidna kumaanu lahayn, ta kale lacagna maanu haysan, laakiin waxa nasiib daro ah ururadii ugu musuqmaasuqa badnaa ee ay goob-joogayaasha caalamiga ah iyo cid waliba aragtay inay maanta musuqmaasuq ka qaylinayaan, kuwaana taariikhda ayaa sheegi doonta, balse anagu maanu lahayn awood aanu wax ku musuqmaasuqno, sidoo kale ururka ASAD sidayada oo kale ayuu awood darnaa, sidaa darteed isna wax musuqmaasuq ah muu samayn, laakiin ururada kale oo dhami inay sameeyeen waa wax cad oo la hayo xaqiiqdeeda, waxaana daliil loo soo qaadan karaa tuulooyinka Halleeye iyo Aw-barkhadle wixii ay ka samaynayeen ururada qaarkood, markaa ururadii ay qiirada qabiil haysay ama lacagta haystay ayaa waxaa ku kacay, kuwaas oo hawl-gallo aad u waaweyn oo musuqmaasuq ah sameeyey. Ta kale magaalada Salaxley ee ay dadka qaar sheegayaan anigu maan tegin, isla markaan waa tii aniga laygu caayey ee la lahaa tolkii ma taageersana, laakiin dadkaa reer Salaxley waxay ahaayeen dad is abaabulay, is-baabulkooduna ma ahayn inay UCID u codeeyaane waxay isu abaabulayeen inay dadkoodu codeeyaan ilaa kuwa Hawdka Itoobiya (Reserve Area) jooga, sidaa darteed ASAD 3000 buu ka helay, KULMIYE 3000 buu ka helay, UDUB 3000 buu ka helay, anaguna (UCID) 10900 baanu ka helay, markaa waxaad arkaysaa reerka u footeeyey si siyaasiya inuu yahay reerka yaal aagga aan anigu ka soo jeedo, UCID-na waa la ogyahay inuu yahay urur qaran. 

S: Waxaad sheegtay in ururkiina (UCID) iyo ASAD ay awood daraayeen oo aanay waxba musuq-maasuqin, markaa ururada kale ee aad leedahay wax bay musuq-maasuqeen wax ma ka carabaabi kartaa?

J: Waxa ka mid ah kuwa maanta ugu qaylada badan ee wax canbaaraynaya, waa kuwa guddiga doorashada u hanjabey, waa kuwa ay guddiga doorashadu sideeda maalmood qancinayeen, waa kuwa arinta ka dhigay "Hashii geela qaniinta ee hadana cabaadda". Laakiin anigu magacaabi maayo, dadkuse waa yaqaan, waxaana leeyahay macal-cune soo bixi doonee.

S: Hadii ururkaagu soo baxo miyaad isu soo taagaysaa musharaxnimada madaxweynaha?

J: Anigu sannad ka hor ayaan sheegay inaan isu soo taagi doono musharaxnimada, madaxweyne-kuxigeenkana waxaanu ka soo qaadan doonaa beesha koonfurta Sool, waxaana rajaynayaa inaanu ku guulaysan doono, ururkayaguna waxa uu ahaa ururka qudha ee 17 degmo ka sharaxnaa, waxaanuna nahay ururka ugu weyn ee meel kasta ka helay, waana ururka aan maanta qabyaalad lagu qotomnin ee aan tollaay odhan, waxaanu nahay urur aan lacag iyo laaluush isticmaalin oo xataa anaga dadkii noo codaynayey ayaa nalaga iibsaday . 

S: Waxa laydinku xamanayaa ururka UCID waxa uu xidhiidh hoose la leeyahay ururka UDUB, arintaasi ma jirtaa?

J: Anaga ilaa iyo markii uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal noolaa waa nalagu xaman jiray arintaa, laakiin wax kale nalooguma xantee anagu waxba ma cayno, wixii dalka waxyeelayana cidna kama ogolaano, isla markaana dawladda talada haysa wixii ay ku qaldan tahay inaanu sheegno, wixii ay ku saxan tahayna ku taageerno weeye arinkayagu, sidaa darteed waxaasi waa dacaayado raqiis ah, ururkayaguna waa mid maanta ka weyn ururka UDUB, waayo UDUB 12 degmo ayuu ka diiwaangashanaa, laakiin anagu 17 degmo ayaanu ka diiwaangashanayn, laakiin ururka UDUB hadii uu ka siyaasad wanaagsanaado ururada kale ma jiraan wax noo diidaya inaanu taageerno waxa ay ku wanaagsan yihiin iyo inaanu dawladaha hoose iskaashi kala samayno.

Top


Masuuliyiinta Somaliland Oo Beeniyay War Ku Soo Baxay Wargeyska Al-Khaliij

Hargeysa (Haatuf) Masuuliyiinta dalka jamhuuriyada Somaliland ayaa si isdaba joog ah u beeniyay war lagu daabacay dhawaan Wargeyska Al-Khaliij ee ka soo baxa magaalada Shaarija ee dalka Imaaradka Carabta oo sheegay in Ciidamada Maraykanku bilaabeen saldhig milatari oo ay ka dhisanayaan dekeda Berbera dhinaca badda uga jirta 40km taas oo sida u Wargeysku sheegay gogol-xaadhkeeda hore ay u dhamaystireen kooxo ka kala socday Ciidamada sirdoonka ee Maraykanka, Israa’iil iyo Britian. Haddaba madaxweynaha JSL Daahir Rayaale Kaahin ayaa mar u shalay shirjaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, ugu waramayay weriyayaal ka tirsan warbaahinta dalka, ayaa isna warkaas ay baahisay Al-khaliij ku tilmaamay mid been-abuur ah oo aan haba yaraatee waxba ka jirin. Isaga oo arrintaas kasii hadlaya waxa uu yidhi "ma jirto cid Maraykan ama Israa’iil ah oo saldhig nagala soo xidhiidhay" mar si gaar ah loo weydiiyay in u jiro wax xidhiidha oo maamulka Somaliland la sameeyay dawladda Israa’iil, Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo muuqda ama qarsoon oo dhexmaray Somaliland iyo Israa’iil.

Ma aha markii u horeysay ee warar noocan ahi ku soo baxaan warbaahinta dalalka carabta gaar ahaan kuwa gacanka sida Wargeyska "Al-khaliij" iyo kuwa London ka soo baxa sida "Sharqal Al-Awsad" iyo "Al-Zaman" iyada oo wargeysyadaasi ay baryahan dambe caadaysteen inay Somaliland ka fidiyaan warar aan aasaas lahayn oo ay inta badan ka helaan niman ku nool Muqdisho oo ay ka dhigteen wariyeyaal uga soo warama arrimaha Soomaalida oo dhan, waxaana ka mid ah raggaas nin magaciisa la yidhaahdo Cali Xalane oo magaalada Muqdisho uga soo warama dhawr wargeys oo ay ka mid yihiin Shaqal Awsat, Al-Hayaat, iyo xataa qaybta Af-Carabiga ee BBC-da. Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxii 11 Sept, waxa Cali Xalane dalka Somaliland la baraystay inuu ka faafiyo warar samays ah oo uu dalkan kolba ku masabadiyo waxaan jirin sida Saldhigyo Maraykan oo Berbera laga sameeyay ama xidhiidh dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

Dabcan tifaftirayaasha wargeysyada la macaamila Cali Xalane ma aha kuwa inta badan xog-ogaal u ah arrimaha ka jira dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaana dhacda inay warar samaysan ay ka qaataan Cali Xalane iyo kuwa kale ee la midka ah oo Muqdisho ku badan.
Cali Xalane oo la xaqiijiyay inuu ka tirsanyahay shaqaalaha Cabdi Qaasim Salaad, wuxuu intan dambe ku hawlanaa sidii u ambin lahaa rayul caamka ka jira umada carabta oo uu ka horkeeno Somaliland. Isaga oo u adeegaya dagaal oogaha uu u shaqeeyo, mana jirto si u Cali Xalane wax uga ogaan karo xaaladaha ka jira Somaliland.

Top


Falaagada Kongo Oo Beeniyay Inay Maxaabiista Ku Khasbaan Cunista Hilibka Dadka

Kinshaasa (W. Wararka) Hogaamiyaha falaagada ka horjeeda Xukuumadda J. D. Kongo ayaa beeniyay warar sheegayay in ay maxaabiista ay qabtaan ku khasbaan cunista hilibka dadka.

Waxaanu sheegay hogaamiyahaasi oo la yidhaa Jaan Biyeer Binba in wararkaasi ay yihiin qaar ay faafiyeen kuwa ka horjeeda oo aan sal iyo raad toona lahayn islamarkaana aan ku fadhiyin xaqiiqada.

Wararka sheegaya in ay falaagadaasi maxaabiista ku khasbaan cunista hilibka dadka waxay ka soo baxeen qolyaha xagga diinta ee baaderiyada iyagoo intaa ku daray in ay jiraan meel ka dhacyo kale oo ay gaystaan kooxdaas falaagada ahi.

Sida ay wararku sheegayaan kooxaha falaagada ah oo ay gacan siiyaan dawladaha Rwanda iyo Uganda waxay dagaalka ay kaga horjeedaan dawladda Kongo wadeen ilaa 1998kii taasoo ay uga gol leeyihiin inay ridaan dawladda ka dhisan Kinshasa, oo ay iyadana taageeraan dawladaha Zimbabwe, Namibia iyo Angola.

Top


Jarmalka Oo Ka Digay Dagaal Lagu Qaado Ciraaq

Baqdaad (W. Wararka) Dawladda Jarmalka ayaa beenisay in ay wax taageero ah oo dhinaca maaliyada ah ugu deeqayso hawl gal lagu qaado dalka Ciraaq, iyadoo sheegtay inay taasi dhaqaalaha Jarmalka waxyeelo weyn u leedahay, isla markaana waxay ka cabsi qabtaa in qiimaha saliidu u sare u kaco.

Dawladda Jarmalka oo aad uga soo horjeeda weerar lagu qaado Ciraaq waxa ay taageero maaliyadeed oo gaadhaysa $5.5 billion ku caawisay dagaalkii lagaga saarayay Ciidamada Ciraaq dalka Kuwait. 

Dhinaca dawladda Ciraaq ayaa beenisay inay haysato oo ay qarsanayso hubka halista ah oo aan ku jirin warbixintii ay u gudbisay qaramada midoobay iyadoo Maraykanka ugu baaqday inuu soo dirto khubaro xaqiijisa arrintaasi.

Sida uu sheegay la Taliyaha madaxweynaha Ciraaq Caamir Al-Sacdi oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Ciraaq ee Baqdaad hawlgaladii ay wadeen baadhayaashii hubka ee ka socday qaramada midoobay oo ku hawlanaa arrintaasi afartii todobaad ee u dambeeyay waxa ay muujiyeen sida aanay waxba uga jirin sheegashada maraykanka ee ah inay Ciraaq qarsanayso hubka halista ah.

Dawladaha Maraykanka Ingiriiska ayaa ku eedeeyay Dawladda Ciraaq in aanay soo bandhigin waxa ay hub haysato islamarkaana aanay ku wada cadayn warbixinta ay u gudbisay qaramada midoobay balse Al-Sacdi ayaa arrintaasi gaashaanka ku dhuftay isagoo sheegay inay yihiin eedaymo aanay waxba ka jirin.

Masuuliyiinta Ciraaq ayaa hore ugu celceliyay in warbixintooda ay ku cadeeyeen wax alla waxay hub haysteen, iyagoo intaa ku daray in ay diyaar u yihiin iskaashi la sameeyaan qaramada midoobay, si loo xaqiijiyo eedaymaha Maraykanka iyo Ingiriiska.

Isla markaana waxay ka digeen in xad-gudub lagula kaco Dawladnimadooda.

Top


Naqshada Map-ka Somaliland Oo Dhul Laga Xaday

by Yuusuf Boss Axmed

Yuusuf Boss Axmed oo ah muwaadin u dhashay Somaliland ayaa shalay la kulmay mid ka mid ah map-ka Somaliland oo si khaldan dhiniciisa bari dhul loo raaciyay Soomaaliya, Yuusuf Boos oo arrintaa ka hadlayaa wuxuu yidhi "intii aan jiray intii aan joogay wax aanan arag oo maqal, ayaan la kulmay shalay ka dib markaan si kama’a ah ula kulmay oo aan u dhugtay khariirada Somaliland oo halkan ku lifaaqan.

Khariiradadaa waxaa ka muuqata leexdin lagu sameeyay khadkii ama xariiqdii Xadka lagu yiqiinay oo toos ahaan jirtay marka uu ku dhaw yahay aagga garoowe.

Taasoo weecdintu muuqato oo bayaan ay tahay qiyaastii dhul aan isdhi xataa Djibouti oo dhan ka weyn gudaha Somaliland la soo geshay oo dhulkaas oo dhan la raaciyay gudaha Soomaaliyadii hore.

Isla markaana aad moodo in qayb yar oo kale cidhifka sare ee Boosaaso la raaciyay sida khariiradada ka muuqata"

Yuusuf Booss Axmed Hargeysa/ 24/12/02

Top


Barnaamijka Horumarinta Adduunka ee Qaramada Midoobay (MDG)

Warbixinta Hay’adda UNDP

Qoraalkii warbixinta qaramada midoobay ee Xoghayaha guud Koffi Annan ee shalay ku soo baxay Wargeyska Haatuf iyo Qoraalkan oo ka hadlaya barnaamijka horumarinta adduunka ee 2000 (Millennuim Development Goals) MDG waxaa Wargeyska Haatuf u soo gudbisay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta UDNP, bishii September 2000, 147- dal iyo dawladood madaxdood oo guud ahaan ka kala yimid 191 qaran oo dunida ah ayaa saxeexay qaraarka horumarinta adduunka ee Millennium (2000), qaraarkani wuxuu saameynayaa, nabada iyo nabad ku wada noolaanshaha dadyowga adduunka, dhinacyada horumarinta ee khuseeya deegaanka, xuquuqda aadamiga, maamulka, qaraarkan wuxuu si gaara xooga u saarayaa in loo hawlgalo horumarinta Afrika, barnaamijyada qaramada midoobay ee horumarinta (IDG) International Development Goals, iyo MDG (Millennium Development Goals), labada barnaamij oo kala ah bartilmaameedka horumarinta ee caalamiga ah iyo bartilmaameedka horumarinta ee 2000 (Millennium waxaa Xudun u ah sideed qaybood oo kala ah:

  1. Baabi’inta iyo la dagaalanka saboolnimada iyo gaajada.

  2. In la dhamaystiro guud ahaan Waxbarashada aasaasiga ah.

  3. In kor loo qaado sinaanta lamaanaha (rag iyo dumar) oo la xoojiyo awooda hawlgal ee haweenka.

  4. In hoos loo dhigo Carruurta u le’ata dayaca.

  5. In la horumariyo adeega goobaha caafimaad ee haweenka iyo umulaha (maternal health).

  6. In lala dagaalamo cudurada aydhiska (HIV/AIDS), kaneecada iyo cudurada kale.

  7. In la hubiyo daryeelka deegaanka 

  8. In la horumariyo wadaaga guud ee horumarinta adduunka.

Barnaamijyadan sideeda ah waxaa uu mid waliba leeyahay jaangoyn qorsheed oo lagu hirgalinayo kan ugu muddo dheer ilaa (25) sanadood (1990-2015), waxaa iyana jirta ku tala gal qaab loo qiimayn doono sida uu barnaamij walba u socdo, waxa ka hirgalay iyo heerka uu marayo.

Ujeedada barnaamijkan horumarinta ee 2000 (millennium) warbixintiisu waa wacyigalin iyo u doodis heer dawladeed iyo dhisida bahwadaag iyo dib u cusboonaysiinta balano iyo balanqaadyo siyaasiya oo heer qaran ah, iyadoo heer dawladeed loo dhisayo qiimeynta iyo ka warbixinta dhamaystirka hiigsiga iyo bartilmaameedka, wadan waliba wa in uu isagu qeexaa sida ku haboon xaaladiisa ee uu u hirgalinayo barnaamijka horumarinta ee 2000 (millennium) ee ay gudoonsadeen dalalka xubnaha ka ah qaramada midoobay, wadamadu iyagaa jaangoynaya xaaladda horumarinta, siyaasadaha iyo barnaamijyada laga hirgalinayo dalalkooda.

Waxaa isweydiin leh waa maxay barnaamijka horumarinta ee la gudoonsaday 2000 loona yaqaan (MDGS), qaraarka ay wadamada adduunku ku heshiiyeen sanadii 2000 ee horumarinta wuxuu ka koobanyahay (8) sideed barnaamij oo leh (48) sideed iyo afartan halbeeg oo lagu eego dhamaystirka hadafka barnaamijyadaa oo kala ah 

  • Cidhibtirka saboolnimad xad-dhaafka ah

  • In si guud loo helo Waxbarashada aasaasiga ah

  • Sinaanta iyo horumarinta wadaaga lamaanaha dadka ee raga iyo dumarka

  • La dagaalanka caruurta dayaca u dhimata

  • Hawlaha caafimaad ee haweenka oo kor loo qaado

  • In laga hortago oo lala dagaalamo sida aydhiska (AIDS) iyo kaneecada IWM. 

  • Dayeelka joogtada ah ee deegaanka 

  • Wada shaqayn

Daraasadaha hore loogu ururiyay arrimaha samaynta ku leh ee carqalada ku ah hirgalinta barnaamijka horumarinta ee lagu heshiiyay sanadii 2000, waxaa ka mida faafida cudurka halista ah ee HIV/AIDS oo galaaftay noloshii dadyow badan oo lagu hawlanaa horumarintooda, cudurkan HIV/AIDS wuxuu (10) tobanaan sano uu dib u celiyay dalalka qaarkood meel ka hoosaysa halkii uu horumarkoodu taagnaa, cudurka HIV/AIDS ayaa u muuqda in uu yahay caqabada u weyn ee la loolamaysa in aan u hirgalin cahdiga horumarinta 2000 (millennium) ee ay dadyowga adduunku ku heshiiyeen si dalalka adduunka uu uga hirgalo barnaamijyadan horumarintu waxay ku talinaysaa warbixinta qaramada midoobay ee ay soo bandhigtay hay’adda (UNDP) in loo maro qaab maamul leh afarta qaybood, nidaam nadiifa oo maamul, wada tashi iyo la tashi, wada jir uga qayb gal, go’aanada oo hoosta laga soo dhiso ilaa dusha.

La soco cadadka dambe

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa Tifaftiray A. Ducaale

Q: 52aad

Mingistu: Waxaan xusuustaa nin la odhan jiray laba xidigle Kaadu oo ka mid ahaa raggii guutada saddexaad, gaar qaybteeda caafimaadka laga soo wakiishay ayaa maalintaa shirka iska dhex-taagay, ninkaasi waxa uu ahaa nin af-tahamo ah aadna u hadalo kul-kulul, sidaa darteed markii uu hadalka bilaabay waa loo sacabiyey oo hoolkii oo dhan sacab ayaa is-qabsaday, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Maanta waa maalin taariikhi ah waa maalin barakaysan, waa inaynu maalintan taariikhiga ah ka faa’iidaysanaa, waxa ina dilay digaagadahan (nimankii xidh-xidhnaa) , waa kuwa dilay nafleydii Wallo, waa kuwii dilay nafleyda Itoobiya, sidaa darteed inaga oo aan wax go’aan ah ka gaadhin inaynu iska dhaafno ma aha, miyaanay idiin urayn digaagadahani , iyaga oo waxaas oo dhan hore u sameeyey ayey maantana dhiigayaga jaqayaan oo magac maxaabiisnimo ayey ku jiraan", laakiin markii laba xidigle Kaadu hadaladaa iyo qaar kale yidhi ayey dadkii hoolka fadhiyey sacab isku dareen, waxaana hoolkii qabsaday sacab iyo sawaxan, taasina waxay keentay inay qaar kalena istaagaan ayey hadalo kul-kulul ku dhawaaqeen, waxayna yidhaahdeen "Waa maxay sababta aad noogu yeedheen, ma inaanu hal janaraal oo qudha arintiisa ka hadalo ayaad noogu yeedheen, maxaase keenay in hal janaraal oo qudha laga hadlo iyadoo ay intaas oo arimood yaaliin, waayo janaraal Amaane waa nin qudha, sidaa darteed waxa uu yahay baaba iska yar, arintiisuna wax weyn ma aha, maxaa yeelay hal mar ayeynu iska diri karnaa ama meesha ka saari karnaa".

Hadalka iyo buuqu wuu sii socday, waxaana ka mid ahaa hadalada kale ee ay ku dhawaaqayeen "Shicibku way daawadeen baabi’ii iyo dhibaatadii ka dhacday gobolka Wallo, markaa maxaynu la sugaynaa doofaradan oo aynu u biilinaynaa, goormaa la xukumayaa, ma dhici karto inaga oo aan arintaa wax ka qaban shirkan kuma kala tegayno" ayey yidhaahdeen, laakiin qaar kale ayaa hadana istaagay, waxayna yidhaahdeen "Nimankan maxaynu ka eeganaynaa oo ay ummadda u qaban jireen, miyaanay ahayn nimankii markii ay dadka iyo duunyadu madhanayeen ee ay abaruhu baabi’iyeen iska daawanayey ee aan kana hadlin, waxna ka qaban, waxayna dadkaa iyo duunyadaasi u dhamaadeen dayac iyo masuuliyad xumo, iyadoo ay arintoodu ahayd maxaa iga galay, ta kale anaga qudhayadu sababta aanu habeen iyo maalin u silcaynaa waa mid ku timi maamul-xumadooda," dabadeedna sacab iyo sawaxan ayaa hadaladaa lagu taageeray, waxaana sii batay buuqii iyo qayladii shirka, laakiin waxaanu ku nidhi "Nimankaa arintooda guddi ayaa loo saaray, kuwaas oo dabagal iyo baadhis ku samaynaya, waxaana la hor-keeni doonaa maxkamad", laakiin intaasi may qancin ee way sii wadeen hadalka, waxayna mar kale kor ugu dhawaaqeen ereyo ay ka mid yihiin "Boqor Xayle Salaase daraawiishtii dalka u soo halgantay ee uu ka mid ahaa Balaay Salaqe iyo rag kale markii uu fagaaraha ku del-delayey ma cid baa tidhi guddi baadha haloo saaro, miyaanay arintoodu ku dhammaan keliya af-hayeenka boqorka ayaa hadlay, isagaana xukumay, dadka Itoobiya ee masaakiinta ahi goorma ayey helayaan cadaaladdaa mid dhaanta".

Doodahaasi waxay noqdeen kuwo cirka isku shareeray oo hoolkii shirka hadheeyey, isla markaana wixii dad hoolka ku jiray oo dhan shucuurtoodii ayaa is-wada bedeshay, anaga tiradayadu waxay ahayd 120 qof, iyadoo ay nagu dhex-jireen xubnihii hoose ee dhergiga, wuxuuna hoolkii noqday wada xamaasad iyo buuq, taasina waxay keentay in cadaaladda la sugi kari waayo, waxayna arimuhu gaadheen ama dhacday heer aanu intayada badani waxba ka qaban kari-wayno oo ay xaaladdu farahayaga ka baxdo. Sidaa awgeed anagu jawiga caynkaas ah ayaanu dhex-fadhinay, xubnihii maalintaa shirka ka soo qayb galayna waxay ahaayeen kuwo ka kala yimi cidhifyada dalka oo dhan, waxaana ka mid ahaa xubnahaa qaar ka yimi cidhifyada saxaraha oo ay cuqdad iyo calool-xumo ka buuxdo, laakiin aniga dhammaantood way I xaq-dhawrayeen, wayna I jeclaayeen, noloshayda hadii ay jirto maalin la I gareeyey waxay ahayd maalintaa min bilowgii ilaa markii dambe ee aan xukunka hayey, isla markaana si adag ayaa layla hadlay, waxaana la igu yidhi "Gaashaanle Mingistaw maxaa dhacay oo aad ugu doodaysaa nimankaa".

Ganat: Xubnahaa aad sheegtay ma ka xusuusan tahay mid leh laaya ama mid leh daaya?

Mingistu: Haa way jiraan, waxaana ka mid ahaa Adnaafu oo lahaa "Hala laayo", laakiin doodiisu may ahayn mid uu cadaaladda u eegayo ama dareen kacaanimo ku salaysan, isla markaana doodiisu may ahayn mid uu doonayo in la hubiyo inay dembiileyaal yihiin iyo inkale, balse waxa uu arintooda kala meeqaam dhigay dhimashadii Balaay Salaqe oo kale, waxaana hadaladii uu ku dooday ka mid ahaa "Iyagu (Maamulkii Xayle Salaase) ma guddi ayey sameeyeen oo ay yidhaahdeen intaas oo qof inay dembi leeyihii iyo inaanay dembi lahayn soo kala xaqiijiya, miyaanay ahayn nimankii sida fawdada ah wax u xukumay ee inta ay Balaay Salaqe dilka ku xukumeen shaaraca ku del-delay ". 

Adnaafu marka uu sidaa leeyahay wuxuu taagnaa meel u dhow xubnahayaga shir-gudoonka korna wuu u qaylinayaa, waxaana doodiisa taageeray dadkii meesha fadhiyey intooda badan, laakiin markii ay xaaladdu cirka isku shareertay waxa jiray xubno ka mid ah ragga sar-sare ee golaha dhergiga oo aniga gacan I siiyey iyo qaar kale oo iga soo horjeestay oo laygu soo miineeyey. Tusaale ahaan nin la odhan jiray kabtan Makaa’il Gabranigas oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobolka Ereteriya, isla markaana xubin ka ahaa golaha dhergiga, markii dembena ku biiray jabhaddii mucaaradka ee Ereteriya ayaan xusuustaa oo wuxuu taagnaa dhinacayga ayuu igu raacay sidii aan anigu idhi, wuxuuna yidhi "Janaraal Amaane waa nin muwaadina ah, arintiisuna la mid ma aha arinta saraakiisha Xayle Salaase", sidoo kale xubno kale oo golaha dhergiga ka mid ah ayaa iyaguna ila aragti ahaa, waxayna lahaayeen "Nimankani waa mayti oo kale isla markaana anaga ayey gacantayada ku jiraan, markaa ma aha inaynu si fawdo ah u xukuno, waayo shalay waxaynu dadka ku nidhi nimankaa maxkamad ayaanu soo raagaynaa, laakiin hadii aynu maantana nidhaahno sidan inaanu u layno ayaanu garanay maxay dadweynuhu ina odhan doonaan, saw inala yaabi maayaan". 

Laakiin dooddu way sii socotay oo rag gar-yaqaano ah oo golaha dhergiga ka mid ah ayaa inbadan arinta ka dooday, waxaana hadaladooda ka mid ahaa "Nimanka waxa loo saaray guddi arintooda dabagal ku samaysa, waxaana loo xil-saaray niman garsoorayaal ah dembiyadooda soo xaqiijiya, isla markaana wixii dembi ah ee ay geysteen waa laga abaal-marin doonaa ayeynu dadweynaha u sheegnay, sidaa darteed inaga oo sidaa hore ugu sheegnay shicibka miyeynu hadana maanta qawlkeena bedelnaa", laakiin markii sidaa la lahaa Adnaafu Abaata iyo Indhaala Tasaama waxay iyagu lahaayeen ama ku dhawaaqayeen "Ku dhufo" oo macneheedu yahay hala dedejiyo go’aanka laynta, sidoo rag ay ka mid yihiin Goonday, Gasahani Warqe, Dajane iyo xubno kale oo lahaa "Ku dhufo", waxayse ahaayeen niman dhalinyaro ah oo dareensanayn qiimaynta xaaladda meesha taal, balse dadweynaha laftiisa ayaa xiligaa odhan jiray "Kudhufo", iyaga oo dhiirigelinaya ciidamada...

La soco cadadka dambe.

Top


Halkee Ayey Ku Dambeysey Dacwaddii Ku Oognayd Dambbiilayaashii Dagaalka (The War Criminals)

Xayn yar oo ka mid ah duuliyeyaashii diyaaradaha dagaalka, ee dadka iyo dalkaba (Somaliland) sida naxariis-darrada ah ugu gumaaday, magacyadoodii ka akhriso halkan.

Wareysi ay waqti aan sidaasi u sii dheerayn jaraa’idku la yeesheen gacan ku dhiiglihii Morgan "Cabdi Bile", waxa uu si weyn u dafiray dilkii, dhacii, iyo xasuuqii dadkii aan qiyaasta lahayn ee ilaa iyo imika ay daadadku soo faqaan lafohoodii oo isku xidhxidhan, dambbiyadaas laxaadka leh oo ay gaysteen isaga iyo ciidamadiisii uu waqtigaa xukumi jiray iyo dhammaan intii ka amar qaadan jirtay maamulkii dhiig-miiradka ahaa. Inkasta oo uu muran iyo geed-ismarinba ku jawaabay isna yidhi mala sidaa ayuun bay kaaga yaryaraan karaan mawjadaha dhagartii aad gaysatay marka dhawaan maxkamad caalami ahi ku soo garba-duubto, fallaadhise gilgilasho kaaga ma go'do.

Markii uu hayn waayey dagaalkii kama dambbaysta ahaa ee ay soo qaadeen ciidamadii SNM, iyo shacbigii gadooday oo dhagax isku difaacaya, waa kii oodda jabiyey ee yidhi sogsogi waa moroh, una dheereeyey firxadkii ay xamar u yaaceen inta ay dirayskii ay ku hanjabi jireen daadiyeen, taasaanay ahayd tii uu kula baxay "Cabdi Bile".

Mar ay BBC-da laanta afka ingiriisigu wareysatay, dambiile-dagaal Gacan-ku-dhiigle Cali Samatar, kiiyoo ku hadlaya afka ingiriisiga, waxa uu yidhi: "I was the highest ranking that ordered to bumb Hargeisa and it's "inhabitants/civilians". Waxaan ahaa derajadii ugu sarreysay ee amartay in la rusheeyo oo la dumiyo Hargeysa iyo wixii ku noolba. 

Adduunyadu waxba kamay ogayn waxyaabihii ka soo gaadhay dadka reer Somaliland taliskii qaawanaa ee caan-baxay boobka, dilka, dulmiga, iyo dhagarta. Mararka qaarkood dhibaatada loo geysan jiray dadka waxa ay gaadhaysay heer ka xun heerarka ay yuhuudu gaadhsiiyaan ummadda reer Falastiin.

Magacyada hoos ku qoran si fiican ayey u garanayaan; Moorgan iyo Cabdul-qaasim oo ah ninka hoggaamiya kooxda Carta, loona yaqaan: Cabdi-qasbbaaye, meelaha qaarna looga yaqaan: xaraaj bin qaasim, (xaraaj bin qaasim waa meel yar oo alaabooyinka laga baxay ee xashiiska iyo guddaafadda ah lagu daadiyo, kuna taal magaalo ka tirsan dalalka khaliijka carabta) waa duuliyeyaashii ku qaatay billadaha dahabka maarta ah markii ay guteen hawshoodii xasuuqa ee ay ku laynayeen ummad maanta ah oo markii guryahoodii loogu galay qaxaya, isla markaana aanay u kala eegin qof weyn oo taag-darreeyey, ummul fool- hallowday oo naf-xaraarihii geedaha hoos gashay iyo ilma yar oo cayddi ah midnaba, waxaana ka mid ah:

  1. G/sare Yussuf Maxamed Maxamood, (Yussuf yare)

  2. G/dhexe Maxamood Xaaji Warsame (mooto)

  3. G/sare mursal Muufo

  4. G/sare Khaliif Ciise Yussuf

  5. g/sare faarax saciid 

  6. G/sare Maxamed Aden Dirir 

  7. G/sare Maxamed Xasan Raage

  8. G/sare Xuseen Xasan 

  9. G/sare Axmed Gurxan Hoori

  10. G/sare Maxamed Axamed Xaayoow

  11. G/sare Xirsi Maxamed Faarax

  12. G/dhexe Maxamood Xaaji Warsame (mooto)

  13. G/dhexe Cabdullaahi Xaaji

  14. G/dhexe Maxamed Khaliif isaaq.

  15. Iyo Axmed Maxamed Maxamood oo mid ahaa duuliyeyaashii sawir qaadista. 

Duuliye-yaashan xaq-darrada dadka ku laynayey ee baabi'iyey iyaga iyo hintidoodiiba inkasta oo ay badi ku dhinteen oo lagu soo riday diyaaradihii ay wadeen dagaalkii, qaar ka mid ahi abaal-gud ayay ku qaateen xasuuqaa, waxana bixinaayey abaal marintaa Afweyne laftiisii iyo gacan ku dhiigle Moorgan.

Cabdulqaasim, waxa uu ahaa waqtigaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha, waana dambiilayaasha dagaalka ee ugu waaweyn, isla markaa waxa uu ka mid yahay raggii fuliyey xasuuqii xeebta jasiira (Xamar), halkaas oo inta guryaha lagala soo baxay rag ka badan 47, si cadawtinimada ah oo bani'aadamnimada ka baxsan loo laayey, sababna looga dhigay dadkaasi waa Reer sheekh Isaxaaq.

* Lama dega waxaa Herer (Hargeysa) ka dhigay dil iyo layntaase, dabayl baa ka foodhiday togdheer degaladeediiye, dab wax guba dabaabad iyo jiib doobta ka higgooda, waxiiyoo diyaarado onkoda nala dul gawdhiidhshay, Israa'iila waa loo dalbaday dabar-go'aygiiye, iyagaa khalqiga dayriyey yaanay daydayne, Ninna iima diir nixin markaan daalanaa shalaye, anigaa daruuraha u koray roobka ii da'aye! (Waxa lahaa Muj. Gaarriye). 

Maanta oo aanu aqalka uu seexdo ammaan ku haysan, ayuu haddana waxa uu ka hinaasan yahay dalka iyo dadka reer Somaliland ee gobanimadoodii sida khaladka ah koonfur ugu carceersatay la soo noqday, ee hirgeliyey nabadda, iyo dimoqraadiyadda, isla markaana doorashooyinka ku jira.

Waxa haddaba wax laga khajilo ah, Cabdulqasim (Ina salaad-booy), waxyaabaha uu Idaacadaha iyo Telefiishanada ka faafiyo, taasoo uu kaga soo horjeedo madax-bannaanida, nabad-gelyada, iyo horumarka Jamhuriyadda Somaliland. Waxa la yidhi; ‘baqali ma dhasho, wax dhalana ma doonto’, markii uu taag iyo tamaro u waayey dhibaatooyinka ka taagan Mogadisho iyo agagaarkeeda, xaafad Xamar ka mid ahna xorayn kari waayey, markii meel uu ka joogsado waayey kooxaha iyo maleeshiyada hubaysan ee geed walba taagan, markii uu waayey meel uu u maro shirka ka socda Kenya oo ay kaga magac roon yihiin hoggaamiyeyaasha kale, markii uu arkay Daarood oo u soo haliilaya madaxnimadii ay cidlada ka qaadan jireen, doonayana xoog inay ku qabsadaan. Markii uu naf kale waayey ayuu hadba gidaar isku qaadayaa.

Haddaba miyaanu ogayn dalka boqortooyada Ingiriiska iyo warfaafintiisa uu ashkataynayaa inay uga war roon yihiin Somaliland oo maalin iyo habeenba joogaan, taarikhda Somalilandna ay ka yaqaanaan. Miyaanu la socon in aan maanta caalamka waxba u kala qarsoonayn. 

Guntii iyo gabagabadii:
Waxa aan xasuusinayaa dambiilayaasha dagaalka ee ay ka mid yihiin Moorgan iyo Cabdi-Qasbaaye, bal halka ay ku dambeeyeen, iyo waxa ku dhacay ciidankii la odhan jiray 26naad iyo dhammaanba ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed. ‘Waar niman yahow kala quusanaye qoomama la'aada’ (Faarax Nuur). Markaa waxa la guboon inuu Xamar iyo Hawiye wax ka qabto, inta uu meelo kale wakhtiga iskaga luminayo.

Waxa qoray:
Maxamed X. Cabdillahi(Inda-cawl)

Top


Raadyow Ma Qaloocshe

A. A. Garas

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydinka dhegaysataan mowjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq-buurka. Akhyaartayada indhaha kuuskuusanaw, waxaynu taaganahay dalcadii aan warka idinkaga soo daadin jiray, waxaana maanta si Alla ogyahay odhan doona Weriye Mr. Sanduuq tuulo maraan.

Warka Gigtiisii:

Jamhuuriyadda Shankaroonland Republic, ayaa subax dhawayd kala tirsatay codadkii caashaqa, waxaana ku dhawaaqay muqawadka doorashada, isagoo sheegay urur waliba intuu caashaqa ka calfaday.

Dhexmaraha guud ee Gudida Koomboshuurka Qaranka, ayaa tenegyo ku kala miisay dhammaan codadkii cashadii dhaweyd ceelka loo horay.

Shir ay isu yeedheen ragga war sheekada ka shaqeeya, waxaanay gudidu ka sheegta urur walba inta foosto ee calooshiisa ku dhacday iyo habaaskii marmaray intii ay tirada la rafanayeen, isagoo bilaabayna wuxuu yidhi; "Wax la cabiro codbaa ugu culus, markaanu isu didinay codadkii dalka, markaanu usha dhabarka ka saarnay intay yihiin, markaanu hubsanay sumaday kala leeyihiin, markaanu dabada ka jarnay ee aanu gaagaabinay codadkii oo idil, markaanu tooyanay jilibada ay codadku ka kala yimaadeen, markaanu kala hubsanay intay le’egyihiin, soo saarnay sidan:

Ka ugu cir weynaa oo ahaa ururka Qodinka, wuxuu ku fulay boqol iyo labaatan kumaankun oo caashaq garaam. Ururka gacma dheere, wuxuu ku fulay sideetan kumayaalkun oo kiiloo cod. Ururku wanka galaalan, wuxuu ku fulay todabay iyo todobaatan mitir caashaq. Ururka shimbiraale, ayaa ku fulay afartan iyo shan kumayaalkun kiiloo caashaq. Ururka kuduuble, wuxuu ku fulay toddobaatan kumayaalkun oo kiiloo caashaq. Ururka Aardaboole, wuxuu ku fulay shan iyo soddon kumayaal cod garaam. Ururada iyo idinkaba Allahaydinku anfaco."

Guddidu iyagoo tiradoodii sii wata, waxay qireen inuu dhacay qadar faataxo qasan ah, kaas oo doorashada cod-qas saanqas sameeyay, waxaan iyagoo arrintaas iska dhayayana yidhaahdeen; "Annagu meel kasta waxaanu geynay sanduuq, warqad, waashmaano iyo daabaqad cas, urur walibana wuxuu gaystay eegayaal indha cad-cad, kuwaas oo shaqada keliya ee ay hayeen ahayd in ay warqadaas buuxsamo sanduuqu soo xisaabsada xoolihiisa. Markaas nimanka waashmaanada ee aanu diranay konton Walle Bille iyo kitaab baanu marinay, qaadna waanu u qaadnay, markaa muu jirin jaanis aanu tuugta u banaynay."

Isagoo ka jawaabaya sida ay suurto-gashay cod-xadistu, wuxuu yidhi; "Haddii ay jiraan codad la xaday, wuxuu noqonayaa mid ay ku heshiiyeen muraaqibiintu, gudida doorashada, dawladii ilaalinaysay iyo degmadii coddaynaysay. Markaas wixii lagu heshiiyay ee naloo keenay, ayaanu tirinay, haddiise ay ururadu leeyihiin coddad tuugo ah ayaa sanaaduuqda lagu riday, maxay uga qaban waayeen markii lagu ridayay, ilayn sanduuq walba way dul fadhiyeene."

Mar uu ka jawaabayay in ay jiraan dad coddad ku celaanceliyay oo caashaqa ku noqnoqday, wuxuu yidhi; "Dawada la mariyay baa doqon ahayd, markaanu soo iibsannayna, waxaanu ka soo iibsanay dalka Talyaaniga oo aanu isnidhi, isagaa tuug ah oo dawo-tuugta yaqaan, markaanu halkan keenay ayaanu ogaanay in Talyaaniga la sheegaba dadkani ka tuugsan yahay oo inta ay subag iyo saliid ismariyaan dawadu ka saliitaynayso."

Su’aal la weydiiyay oo ahayd "Maxaa laga yeelayaa dadkaas dawadda iska masaxaya doorashadii oo socota?" wuxuu ku jawaabay; "Si kale oo la yidhaahdo ma garanayo, waxaanse u malaynayaa in qof kasta marka uu codka bixiyo loo dhukuro oo timaha laga xiiro mooyaane aan si kale loogu maare helayn."

Mar la weydiiyay sababta magaalada waaweyn loogu yareeyay sanaaduuqda, wuxuu yidhi; "Meelaha sanduuqyadu ku badnaayeen, waxay ahaayeen kuwa ugu tuugta badnaa, dadka dawada iska leefayaana haddii ay helaan sanduuqyo aan kuyuu loogu jirin, sow ku noqnoqan maayaan, ma cidbaa ka celinaysa, kuyuugaa dheeraaday baa dawo ahaaye."

Su’aal: "Idinku guddi ahaan, ururada miyaad kala jeceshihiin?"
Jawaab: "Maya, anaga dhammaan ururadu isku in bay noo jiraan, mana jiro urur aanu xidid nahay oo aanu xaq dhowrnaa."
Su’aal: "Ururka UDUB, markii uu waxan oo coddad ah guranayay, maxaad ugu odhan waydeen ururada yaryar wax ka sii yaanay ku cawryine?"
Jawaab: "Anagu taa kuma odhan karno, waayo waa ururkii Dawladda, haddii kale ururadan aad sheegaysaa inta ay sanduuq qaataan UDUB haku yidhaahdeen ‘akhwaan liibaan, masaakiin baanu nahaye, wixii aad coddad nagu dhaanto noogu rid’"
Su’aal: "Ururada qaar waxay sheegeen in aanay ku qanci doonin natiijada aad soo saarteen, taa maxaad ka yeelaysaan?"
Jawaab: "Runtii anagu waxaanu isleenahay, waxaad qabateen shaqo culus oo cid waliba ku qanacdo, waxa naloo dirayna sheegista natiijada ayay ahayd, markaa ururka aan ku qanci doonin marka horeba muxuu naga soo doonayay ee soo jirabayay, muu gurigiisa iska joogo."
Su’aal: "Shaqadiina miyaanay ku jirin in aad coddadka tuugada ka rowdaan?"
Jawaab: "Shaqadayada waxa ku jirta in aanu coddadka aad u ilaalino wixii nasoo gaadha, kadibna tirino oo sheegno, coddadkana dhexdayada laguma xadi karo, haddii aanay marka horeba noo soo gudbin iyagoo xaddan."
Su’aal: "Coddadka la xadday maxaad ka yeelaysaan?"
Jawaab: "Anaga markii hore ee nala magacaabay 7 qudha ayaanu ahayn, qof sideeddaad oo tuug ama khaayin la yidhaahdo nalama soo raacin, waxa laga yeelayana xeerkayaga kumay jirin, wareegto ama sharci nala leeyahayna cidii coddad xadda sheegsheega namay soo gaadhin, waxaanse qabnaa tani dhacdaye in kuwa dambe loo magacaabo guddi sheegsheegta tuugada iyo ururada wax xadda, wixii ay kala xaddaan. Haddii kale, meeshu masaajid maahee, ninkii aan khiyaamada xamilayn, marka horeba yaanu meesha iman."
Su’aal: "Ma waxaad ku talinaysaan doorashada in ay soo galaan dadka khaayimiinta ah oo keliyi, soo la bi’imaayo?"
Jawaab: "Sidaa uma jeedno oo ma lehin dadku khaayimiin ha noqdaan, laakiin dadka doorashada gelayaa waa nin waxaanu lahayn doonaya, qofka wax aanu lahayn raadsanayaana wuxuu ku fiican yahay inuu khaayin noqdo, waayo kaas ayuunbuu ku gayoonayaa."
Su’aal: "Waxaad ka warantaa doorashadii tii degmooyinka, sidaad imikaba sheegteena waxa jira degmooyin aan doorashadu ka dhicin, markaa maxaad idinku sanduuqyada oo qudha inta aad u geysaan ugu odhanwaydeen dadkaa deggan ‘waar sanduuqyadaa qaata oo degmadiina oo qudha wax u doorta’."
Jawaab: "Markii horeba sidaas baanu ku talo galnay, laakiin markii Madaxweynuhu tegay xagaa Sool ee la soo eryaday, ayaanu is nidhi nimanka Madaxweynihii soo eryaday baa sanduuqyo daynaya."
Su’aal: "Ururada qaar waxay sheegeen in coddadkii la siin lahaa xooggoodu u degmooyinkaa ku maqan yahay, markaa maxaad ka damacdeen, miyaa laga samrayaa?"
Jawaab: "Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘Hal aan weli kuu dhallin, Ilmaheeda ha tirsan’, ‘shabeel aanad weli dillina haragiisa ha iibin’ markaa waxaan leeyahay degmooyinkaa aan maamulka dawladduba gaadhin in foodkooda loo hunguroodo maaha, balse ururada sheeganaya ama doonaya degmooyinkaa codkooda ha ogaadeen in meesha dawladdii ka weynaydba laga soo caydhsaday, doorashadana waxa ka coddaynaya dadka Dawladda ogol oo keliya, markaa ururkii ay coddad u yaaleen dhul aan Dawladda laga ogoleyn, waxaan leeyahay inta meelahaa dawladdu ka hirgelayso coddadkaa ka maqan amaah ahaan ha noogu yeesheen."
Su’aal: "Intii ka horeysay tegistii Madaxweynaha, ma kula tahay in degmooyinkaa doorashadu ka dhici lahayd?"
Jawaab: "Waanu u malaynaynay, laakiin waxay ila tahay haddii aanu tegi lahayn in anaga iyo sanaaduuqdaba Boosaaso nalaga dhoofin lahaa."
Su’aal: "Madaxweynuhu markuu meesha tegayay iyadoo ay doorashadu bilaabmayso, muxuu ka doonay, ma inuu ka cadhaysiiyo ayuunbuu rabay, miyaanse loo qaadan karin in socdaalkiisaasi doorashada carqalad ku ahaa?"
Jawaab: "Guddidayadu ma ahayn cidii Madaxweynaha Laas-Caanood u diratay, sababta uu u tegayna waa kii sheegay, mana aanu maqal wareegto Madaxweynuhu ku dalbanayo cid mu’aamaradaysa, ilamana aha shuftadii rasaasta la dhacday in ay nasteexiisa ahaayeen oo hawl uu isagu u dirtay fullinayeen, haddii aan wasiirradii iyo qolyihii googol-xaadhka lahaa ka dambayn, waxaanse u malaynayaa Madaxweynuhu inuu yahay qofka ugu jecel degmooyinkaa in maamulka dawladdu gaadho oo doorashadu ka dhacdo, waayo? Deggaankaas hadday doorasho ka dhici lahaydna, ilama aha in ururkiisu ku qadi lahaa tuugo iyo badheedh si uu ku helaba."
Su’aal: "Kol haddii aanay Gobolladii dhammayn, qiimayntii ahayd lixda Gobol ururkii shan ka mid ah ugu cod bataa uu ka mid noqonayo saddexda xisbi ee foosa, maxaa laga yeellayaa gobolkaa, miyaa loo qiyaasayaa?"
Jawaab: "Anagu, xisbiyo iyo ururo midna kala saari mayno, balse waxa kala saari doona guddidii markii horeba iyagoo shicib ah ururada ka soo dhigtay."


Si kastaba ha ahaatee, doorashadan oo dharraartii ay dhacaysay quruxdeeda la yaabay oo aad xasiid moodaysay, dadkuna codkooda ku xarago qaatay magaalooyinka Boorame iyo Sallaxley ayaa ka mid ahaa meelihii lagu xamanayay in ay si mirqaan-saayid leh u footaynayeen, iyadoo uu caashaqoodu wadaniyada gaadhay.

Guud ahaan, tirada codka baxshay oo aad uga naqnaa intaan filayay, waxa la sheegayaa in dad haaf malyuun gaadhayaa qaadiro darteed kuyuuga geli kari waayay.

Dhegaystayaashayada dhegaha yuubyuubanow, war iyo wareysiba maanta halkaas ayaanu ku shakaaraynaa, balse waxaan idiin soo tirinayaa laba gabay oo aniga iyo habar Asli yuuban la yidhaahdaa isugu jawaabnay, iyadaana igaga horeysay oo igu tidhi:

Duq weyn baan ahoo, 
Daacadoo culuse.
Waxay tidhi
Diyaaradaha Buush ima duqeeyaane,
Waxay tidhi
Durduurtiyo ma cuno 
Dadarta waaweyn.
Waxay tidhi 
Wixii ii dagtaba,
Waan dudubiyaaye.
Waxay tidhi
Daraawiish kuwii dumiyay ee laayey
Ee duubcadii jabiyay
Baan daahirow ahaye,
Ha degdegin waxaan damacsanahay
Doorkan la arkaaye.
Wuxuu yidhi
Nin danab baan ahoo,
Ma Qaloocshe Jawaab
Daaro dheer koraye.
Wuxuu yidhi
Dadkoo dhammi ma jiro 
Ruux idiidaniye.
Wuxuu yidhi
Dakanayda waan daba abraaraaye
Wuxuu yidhi
Waxaan doonayaba 
Waysku didiyaaye.
Wuxuu yidhi
Waxaan diidanahay 
Waan dawariyaaye.
Wuxuu yidhi
Dad nool baan cunaa
Waaga daalacaye.
Wuxuu yidhi 
Haddaad daacad tahay
Daalin baan ahaye.
Wuxuu yidhi
Markay dahab xumay
Duhurka soo gaadho
Ma ogtahay islaamaha
Ma dilo dumarka qaarkoode
Docdan iiga baydh
Habar xun oo daalan baad tahaye
Gabay kalena waan tirinayaa
Caashaq awgiiye.
Sidii geel coddeeyiyo
Horweyn caashaq ku arooray.
Ama komishan kaandhidhayt noqdoo
Kooshinkaba dhaafay.
Ama kubad ciyaaryahan
Lug weyn koone kaga laaday.
Ama kaneeco kaambayn wado
Kaam la odhan waayay.
Ma muraaqib baad tahay 
Waadigaa meesha yuururra’e?

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA

Haduu Daadku Ku Qaado Dalkaygu Dumimaayo

Maxamed axmed Cabdi (Faxam) Hargeysa

Iyadoo axsaab dhan lix ay u tartameen loolanka kuraasida golayaasha deegaanka dawladaha hoose ee dalka JSL oo mid waliba muruq laba suule si ku yahay, teeda kalena ay mid kasta qariisadi ugu dambayso ujeedada tartanka ku guulaysta amaba ku guul-daraysayaaba oo ficilkiisa tartan uu muujiyay. Haddaba 15/12/02 aanu anagu shacbi ahaan codkayaga ku dooranay ka aanu jeclaysanay iyo kaanu ka tegayno, waxa daw ah inaanu u soo gudbino xisbiyada hadduu adiga daad ku qaado dalkaygu dumi-maayo.

Waxa la yidhi dalka giriiga jasiirad ka mid ah ayaa nin maal-qabeen ahi go’aansaday in uu maalgelin goob dalxiis ku sameeyo si u hotel raaxo leh oo badmaaxiinta iyo rakaabkuba ugu nastaan inta socdaalada yihiin si uu faa’ido uga helo. Heshiiskii fulinta mashruucaasi waxa loogu qeexay "maal geliye haddii himiladaada ganacsi ee faa’ido doon hirgeli waydo, dalka Giriig khasaari maayo jasiirada aad maalgelisay."

Haddaba iyadoo Xisbi kastaaba uu loolanka geed dheer iyo mid gaabanba uu gaalaabixiyay oo tamar badani ka baxday (Vitamin A & B, iwm) hadii Haddaba Xisbi ahaan loolanka aad ku guulaysan waydo, waxaanu shacbi ahaan ku leenahay haddii daadku ku qaado, dalkaygu dumimaayo.

Si nadiif ah gegada ciyaaraha uga bax oo alamiinto kale u soo qaado, haddii alla yidhaahdo tartamada dambe oo la xiisayn doono haddii damacaaga qariisadeed ee loolan ee waqtigani u muuqdo Xisbi wadani ahaa oo wanaag u socday oo laga wanaagsanaaday.

Top


Dhiiranaanta Badan Iyo Dhaga Adayga Badan Waa Lagu Lumaa

Doorashooyinka dhawaan dalkeena ka dhacay waa wax lagu faano, sida nabadgelyada leh ee ay u dhaceen oo runtii ah mid la yaab iyo mucjiso ahayd, anigu shaqsi ahaan aad ayaan ugu oomanaa doorashada.

Waa ilaah mahadii oo waa igu simay mawle inaan noqdo codbixiye kala doorta cida uu u arko inay tahay tii dalka u shaqayn lahayd.

Aan u soo noqdo dulucda mawduucaygan.

Doorashooyinkan natiijooyinkankoodii markii lagu dhawaaqay iyo markii la soo wadayba waxa dhawaaq dheeri ka yimid qaar ka mida ururada siyaasada iyagoo cabashooyin u soo jeediyay gudiga doorashooyinka waxaad runtii u baahan in si taxadir leh layskula eego oo go’aan laga gaadho mayna ahayn in iyadoo taasi aan la dawayn la soo saaro go’aan qabyo ah. Waayo waxa inala hadhay 10kii sano waxa weeyaan waxa lagu sheego qabyo.

Gudiga doorashada inkastooy dedaaleen haddana siduuu gudoomiyihu sheegay Mr Cadami ma ahayn in aduunyada kale doorashooyinka ka dhaca qaarkood iyo khaladaadkooda uu isbarbar dhigo oo yidhaa doorasho aan khalad ku jirin kama dhacdo adduunyada waxaynu rabnay in in teena ka duwaanaato kuwaasi waayo dawladaha aad sheegtay waa qaar awoodu gacanta ugu jirto Maamulada ka jira oo siday doonaan yeela. Balse inagu taladeenu dadka ayaa iska leh run ahaantii waanay ka duwantahay kuwa daaha dabadiisa layskugu dhuunto markaa khalad kasta oo ka dhacay doorashooyinkii dawladaha hoose waa qar u baahan in layska qanciyo oo la dhameeyo si loogu baaqdo waxkastoo dhib leh oo ay keeni kara dhaga adayg laga sameeyo cabashooyinka ururada cabanaya waa inay u maraan dacwadahooda hab waafaqsan sharciyada oo ay iska ilaaliyaan mid keeni karta dhib ay horseedaan.

Sidee iyo habkee ayaa loo xalilaa mooyee meesha ma taalo in laysku eegaa.

Golayaasha Guurtida waxa iyana la gudboon inay fiiro gaara siiyaan arrimaha socda ee ay sheeganayaan ururada qaar waayo iyagaa ah ilaa hadda hay’adda ugu saraysa ee dalka xaga nabadgelyada waayo dalka nabadiisa iyo dawladnimadiisa inta ilaahay ka sokaysa waxaa soo caymiyay waa Guurtida markaa doorkooda xalin wixii cabasho tabasho turxaan bixin waa inay suura geliyaan sidii taasi loo heli lahaa.

C/kariim C/laahi Xaashi
Hargeysa

Top


Dedaalkii Shacbigu Mee?

Ibraahim I. Ildab

Dalka mahada maanta ah ka u duur xulaayee dumintiisa jecelow sidaad doonto maahee dus-dus iyo khayaamada dadka diidayaa badan.

Dowgaa la jeexiyo distoorkaa inoo yaal kii dacal ka dhaafaw adiga iyo dadnimadaa.

Waxase adiga kuu dadan oon cidina doonayn sidii u doone yeeliyo ruux kelidii danaysta ah doorashadii doraatee.

Dumarkiyo cirooluhu milicda ay ku daaleen dedaalkii shacbigu mee?

Ninka duudsiyaayaw adaa dollow ka duuliye damiir laawe yeelkaa.

Dulucdiyo warkii guud haddii hadalku kaa dago dhago kuu daloolaan dadka waxa u meel yaal damqashada xumaantada.

Danbi dhacayna qarintii ku dig baan ku doorbiday doodaydan ku afjaray.

Dadweynaha reer SL aad iyo aad bay u dedaaleen oo ay u muujiyeen daacadnimo iyo wadaninimo, si xurmo iyo nabadgelyo leh way u guteen doorashadoodii deegaanada hase yeeshee waxa ku dhacay nasiib darro ka timid ururada qaarkood oo gacan dhaafay, gudiga doorashooyinka oo ay ka muuqato cadaalad darro, dawladda oon u dhexayn ururada, saxaafada qaar.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka oo laga waraysanayay BBC-da ayaa qariyay in khilaaf ku jiray doorashada islamarkaana iyada oon la sixin ayaa la soo saaray natiijooyinkii, waxa aad ula yaabay haddii laga footeeyay gobolada deegaanadoodii waxa loo sheegi waayay degmo walba.

Marka loo dhabo galo footkii ka dhacay degmooyinka waxa cad in ay jirto ku shubasho, nin ama koox ku kacay khayaamo qaran waliba u faadhimaysanaya khayaamo dalka cidi ka yeelimayso.

Dumarkii iyo ciroolihi milicda taagnaa tacabkoodii yuu khasaarin, yaanu laysku khilaafin in kalsoonidii lagala noqdo doorasho.

Ibraahim I. Ildab Hargeysa

Top