Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 232 December 25, 2002

Guddiga Diiwaan-Gelinta Oo Ku Dhawaaqay Saddexda Xisbi-Siyaasadeed Ee Soo Baxay

Dooda Ka Taagan Kala Saarida Ururada Siyaasadda

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Iska Difaacay Dhaliilo Loo Jeediyay

Ururka HORMOOD Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go'aanka Guddiga Diiwaan-Gelinta

Waa Sidee Xaaladda Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa

Halkuu Ku Dambeeyay Khilaafkii Ku Saabsanaa Shirkadda Aerolite

Masuuliyiinta Somaliland Oo Beeniyay War Ku Soo Baxay Wargeyska Al-Khaliij

Badweynta Fanka Iyo Suugaanta

WAADIGA CIYAARAHA

Kooxda Everton Oo Heshiis La Gashay Ibraahim Saciid

Xidhiidhka Kubadda Cagta FA Oo Dersaya Cajaladii Gerrard

Riise Oo Ka Baxsaday In Loogu Yeedho Hawlo Milatari Dalkiisa

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga

Diyaarad Maraykanku Leeyahay Oo Lagu Soo Riday Ciraaq

Madaxweynaha Iiraan Oo Ku Hanjabay Sii Horumarinayaan Hubkooda Halista Ah

Dawladda Zambia Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Madaxweynihii hore dalkaas

Hirgalinta Barnaamijkan Waxa u Xilsaaran Oo Na Soo Gaadhsiisay 


Guddiga Diiwaan-Gelinta Oo Ku Dhawaaqay Saddexda Xisbi-Siyaasadeed Ee Soo Baxay

Hargeysa (Haatuf): Guddiga diiwaangelinta Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay saddexda xisbi ee loo aqoonsaday inay saddexda xisbi qaran, waxayna sheegeen inay saddexda xisbi ee soo baxay kala yihiin: UDUB, KULMIYE iyo UCID.

Ka diba markii ay guddiga doorashooyinku doraad ku dhawaaqeen natiijada tirada codadka ay doorashadii golayaasha degaanka ka kala heleen lixdii urur ee tartamay ayey u gudbiyeen guddiga diiwaangelinta si ay u qiimeeyaan saddexda urur ee soo baxaya, sidaa darteed guddigaasi maalin ka dib markii loo soo gudbiyey ayey soo saareen saddexda xisbi ee soo baxay, iyaga oo qiimayntooda u cuskaday sida ay u kala badan yihiin codadka ay ururadu kala heleen. Sidaa darteed waxa la reebay saddexda urur ee kala ah HORMOOD, ASAD iyo SAHAN.

Top


Dooda Ka Taagan Kala Saarida Ururada Siyaasadda

Sida uu dhigayo xeerku waxa xisbi loo aqoonsanayaa ururka codad 20% gaadhaya ka hela lixda gobol ee ay Somaliland ka kooban tahay, laakiin hadii ay suurtageliwaydo inay saddex urur 20% ka helaan gobolada, waxa uu xeerku leeyahay waa in loo eego boqolkiiba inta ugu saraysa ee urur waliba ka helay gobolada si ay halkaa uga soo baxdo saddexda xisbi. Hase yeeshee hadda waxay u muuqataa inaan qaacidadaa la raacin ee qiimaynta kala reebidda loo eegay isugayn guud oo tirooyinka codadka ah. Sidaa darteed marka la eego natiijada ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen doraad waxay codadka ururadu kala heleen ahayd sidan: 

Gobol ASAD HORMOOD KULMIYE SAHAN UCID UDUB
Saaxil 2281 1188 5309 2054 3401 16574
Awdal 8727 7229 13679 4499 7422 58939
Hargeysa 10943 29104 29923 14748 30676 70989
Togdheer 9283 1454 17476 15234 4821 18330
Sanaag 6655 1409 13701 11356 3401 16574
Sool 1707 154 3070 51 224 1055
Isugeyn 39596 40538 83158 47942 49444 179389

 

Laakiin hadii loo eego boqolkiiba inta uu urur waliba ka helay gobolkasta waxay noqonaysaa sidan:

 
Gobolka ASAD HORMOOD KULMIYE SAHAN UCID UDUB
Hargeysa 5.87% 15.6% 16.05% 7.91% 16.45% 38.08%
Awdal 8.68% 7.19% 13.61% 4.47% 7.38% 58.64%
Saaxil 8.37% 4.36% 19.49% 7.54% 10.64% 49.57%
Togdheer 13.93% 2.18% 26.24% 22.87% 7.23% 27.52%
Sanaag 12.53% 2.65% 25.80% 21.38% 6.40% 31.21%
Sool 27.6% 2.45% 49.03% 0.81% 3.57% 16.85%
Isugeyn 76.64% 34.43% 150.22% 64.98% 51.67% 221.87%

Top


Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Iska Difaacay Dhaliilo Loo Jeediyay

"Annaga Waxa miq-yaas noo ahaa waraaqihii meeshaa la geeyay iyo coddadkii meeshaa ka dhacay" Shir-Jaraa'id - 

Hargeysa (Haatuf) Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa iska difaacay dhaliilo looga jeediyay maamulkii doorashooyinka dawladaha hoose, iyaga oo ku dooday inay hawshaasi inta badan si fiican u dhacday islamarkaana ay gudi ahaan dedaal badan ka muujiyeen hawshaa.

Gudiga doorashooyinku shirjaraa'id oo ay shalay wada jir ugu qabteen xafiiskooda Hargeysa waxay wax ka yidhaahdeen dhaliilo iyo eedo ay ururada siyaasada qaarkood uga jeediyeen sidii loo maamulay hawshii doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee dalka ka dhacay 15kii bishan December. 

Shirkaa jaraa'id shalay waxay xubnaha gudigaasi doorashooyinku ku difaaceen hawlihii ay qabteen xiligii doorashooyinka iyo natiijadii ka soo baxday doorashooyinka golayaasha degmooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Qaranka Axmed X. Cali Cadami oo ka hadlay shirkaa jaraa'id ee shalay waxaa ka mid ahaa hadaladii uu halkaa ka soo jeediyay "anigu waxaan saaka jeclahay inaan halkan ka cadeeyo, Maxaa la soo gocday waataynu shalay is aragnaye, iyadoon weli maalini ka soo wareegin natiijadii doorashada ee la sheegay, waad xasuusantihiin maalintii aynu joognay hoolkii ee aanu ku dhawaaqnay natiijadii doorashadu waxaan idhi in xataa haddii lanagu gafo, waxaanu isku dayaynaa dulqaad, qofku xaqbuu u leeyahay haddii lagu sheego waxaanu ahayn, waxa la sheegay ma qabtaa waad maqasheen qodobada Haatuf lagu qoray 1,2,3,4,5, damqashada u weyni waxay tahay ragaas oo aan mar dambe sheegi doono heerarka aanu isla soo marnay, waar nama qabatee ka noqdaan leeyahay, odayaashayada waaweyn ee xil taariikhiyi uu saaranyahay, haddii lana yidhaa waxaa ku adeegsaday dawladda waa (insult) waa cay tii u weynayd oo aan beni Aadan loo quudhin, qof hal mar habeen iyo maalin kuma noqon karo waa inuu taariikh iyo hido u leeyahay beni-aadamana, xataa saxaafada wax qoraysa, waxa aan sheego kuma wada qasbana inay wada qorto haddii etagii (Ethics) saxaafada uu ka baxsanyahay waa in ay saxdaa oo ay I tidhaa erayadaasi (jumladaasi) maya, waa meel ka dhac, markaa qof shaqaale ah (Camiil) yacnii u adeega, oo aan umadda dhexdhexaad u ahayn, oo cid u gaara oo biyo lagu shubtay oo la kiraysto aad ku sheegto, waa in berri ka maalin cadaynteedii laga helaa, waa in taariikhdiisii dib loo raacaa oo la yidhaahdaa ma ku sifoobi jiray, taas beri baanu ka nahay waan leeyahay, Komishanka (Commission) beri buu ka yahay waxna kama rabno xaal iyo samirsiin kale waxaan ku talinayaa saxiibadayda aanu madaxdooda iyo masuuliyiintooda aanu is naqaan, inay ka noqdaan arrintaa komishanka khaasatan."

Gudiga doorashooyinka Qaran waxaa ka mida xubin qudha oo haweena Shugri Xaaji Boondare oo runtii aad uga dhexmuuqata hawl maalmeedka gudigaas Shugri oo ka hadashay shirkaas jaraa'id ayaa tidhi, "mahad gaara waxaan u celinayaa dumarkii faraha badnaa ee waqtigooda u huray in ay laynka istaagaan, ee sida quruxda badan u soo baxay doorashadaasi ee codkoodii dhiibtay oo anigu ku hadlaya kolayba magaca dumarka, aad waxaan ugu mahadnaqay dadkii reer Somaliland ee dibadaha inagaga maqan ee inoo xarbiyaya mahad gaara ayay iyakuna leeyihiin iyagoo halkaa naga soo caawiyay, ma dhici karto dal galay doorasho, adduunyada ma jirto oo aan wax laga sheegin ma jirayso, doorasho aynu leenahay boqolkiiba boqol 100% dalka ay sax ka ahayd adduunyada laguma hayo, waxaynu yeelaynaa xalayto (habeen hore), markaan doodi dhagaystay TV-ga walaalkay Maxamed Kaahin uu yidhi aynu ka faa'iidaysano khaladaadkii dhacay, waa run waa casharo, waana la baranayaa waana laga faa'iidasanayaa, anagaa ka faa'iidaysanayna, shan iyo Toban cisho ka hor sidii aan ahaa, maanta ma ahi ee wax badan ayaa ii kordhay, gobolka Hargeysa ee aan joogo laba boqol iyo dhawr iyo sodon goobood ay ku qorantahay waxaanu isleenahay waad dedaasheen, waxaan u sheegayaa walaalkay Gaboose in loo eegay oo loo baadhay wax alaaliyo wixii uu u baahnaa, wixii khuseeyay in wax alaaliyo wax noogu baaqday aanu jirin, waxaan ka caawinayaa urur kasta oo wax tabanaya, horana waan uga caawinayay imikana waan ka caawinayaa, anigu waxaan ku soo gebagebaynayaa, geediga wuu soconayaa, sababtoo ah dadkaa diyaar u ah inuu geedigu socdo."

Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka C/laahi Cabdi X. Cumar (Jawaan) oo isna ka hadlayay arrintaa doorashooyinkii dhacay iyo natiijooyinka ka soo baxay ayaa yidhi, "waxaynu gaadhnay guul goolkii ugu weynaa dadweynaha reer Somaliland iyo intii 21,January 2002, ayuu baarlamaanka Somaliland ansixiyay sharci ku dhisnaanta gudigaas, Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa xilka loo igmaday u dhaarisay gudigaas 26kii January 2002.ka hawlgashay way dhaliyeen hadday gudiga tahay, hadday ururada tahay, hadday Ciidamada nabadgelyada iyo maamulkaba. Runtii tijaabo weyn ayaynu ka gudubnay bislaashihii dimuqraadiyada ama tartanka xisbiyada weli waxbaa inooga dhiman, komishanku madmadaw, qaraaba kiil iyo waxaanu qarsano oo aanu hoosta gashano midna kumaanu shaqanaynayn."

Hawshii codbixinta doorashada Golayaasha Deegaanka oo ay ururada siyaasada intooda badani ka cawdeen sidii loo maamulay ayaa gudiyada doorashooyinka laftooda ay dadka qaar leeyihiin qayb weyn bay ka qaateen wixii maamul xumo ee dhacay, iyadoo gudiyadii maamulayay goboladii iyo degmooyinka lagu xantay inay meelaha qaar lug weyn ku lahaayeen musuqmaausqii dhacay, laakiin Gudoomiyaha gudiga doorashada Qaranka oo su'aal arrintaa laga weydiiyay ka jawaabaya ayaa yidhi, "Kelmadahaasi waa kuwa aan aad uga naxaa, adeer baayac mushtar meesha ma ool, bariis iyo daqiiq la kala iibsanayaana ma jirin, waraaqduna taxane number bay lahayd oo markhaati u ahayd, laguna kaantaroolayay, wakiiladii ururada iyo gudiga doorashooyinka warqada aanay isla wada waafiqin waxay ahayd waxba kama jiraan, markaa anigu meel baayacmushtar ka dhacay maan joogin, gudigana haddii sidaa la yidhaahdo xataa xaal kama rabno, laakiin waxaanu umadda u sheegaynaa ma jiro baayac mushtar ka furnaa codeynta." 

Gudiga doorashooyinka qaranku waxay iska difaaceen eedo doora oo looga jeediyay sidii loo maamulay hawshii doorashada Golayaasha Deegaanka, iyaga oo marwalba ku doodayay inaanay wax lug ah ku lahayn, laakiin haddana waxay qireen inay dhaceen khaladaad iyo wax is-dhaaf-dhaafis, taas oo ay ku doodeen inay wax ka qabteen wixii ay wax ka qaban karayeen, hase yeeshee mar la weydiiyay sida ay ka yeelayaan cabashooyinka xoogga ee ka soo baxay sidii loo garsooray hawshii doorashooyinka waxay ku jawaabeen, "Waxaanu ku qancinaynaa Horta doorashada la galay ma ahayn mid qarsoodiya, ururadana waxa ka joogay muraaqibiin, sidaa darteed cidii leh waxbaa naga khaldan ee hanala qanciyo xaq bay u leedahay, laakiin cambaarayn guud meeli u banana."

Qaar ka mida deegaamada laga codeeyay ayay dad badani u arkaan in tirooyinka dadka ah ee ka codeeyay ay yihiin kuwa ka badan intii la filayay, taas oo ay dad badani aaminsanyihiin in ku shubasho dhacday, sidaa darteed mar gudiga la weydiiyay bal sida ay sax u yihiin tirooyinkaasi wuxuu ku jawaabay, "anaga min qiyaas waraaqihii goobahaa la siiyay, miyaa la isticmaalay, mise waraaqo kale ayaa hawada ka soo dhacay oo dadka kale ku codeeyay, sidaa darteed jaangooyo waxa noqotay waraaqihii meeshaa la geeyay ee lagu codeeyay iyo codadkii meeshaa ka dhacay".

Top


Ururka HORMOOD Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go'aanka Guddiga Diiwaan-Gelinta

"Kiisaska aanu haynaa waxay waxba kama jiraan ka dhigayaan go'aanka Guddiga Diiwaan-Gelinta"

Hargeysa (Haatuf) Urur siyaasadeedka HORMOOD ayaa gaashaanka ku dhuftay go'aan ay Gudiga diiwaan gelintu ku kala saareen ururada siyaasada, go'aankaas oo ay saddexda urur ee UDUB, KULMIYE iyo UCID ugu aqoonsadeen Saddexda Xisbi Siyaasadeed ee Qaranka.

Afhayeen u hadlay ururka HORMOOD, Axmed Sandon ayaa Haatuf u sheegay inuu go'aanka gudiga diiwaan gelintu yahay mid lagu deg degay oo aanay urur ahaan ku qanacsanayn, wuxuuna afhayeenku intaa ku daray inay arrintaa ka furanayaan dacwad.

Afhayeenka HORMOOD wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan kiisas iyo dambiyo musuqmaasuq oo soo bandhigi doonaan caydamahooda, isaga oo yidhi "marka aanu soo bandhigno kiisaska aanu hayno ee laga galay doorashadii waxay waxba Kama jiraan ka dhigayaan go'aanka gudiga diiwaan-gelinta".

Afhayeenka ururka HORMOOD waxa uu sheegay inaanay gudiga diiwaan gelinta ka filayn go'aankan deg dega ah, laakiin ay ka filayeen inay arrinta si waayeelnimo ah oo ay ka fiirsadeen u darsaan. Hase yeeshee uu go'aankoodani yahay mid aanay ka baaraadegin ee ay deg deg u soo tuureen, wuxuuna afhayeenku sheegay inay doorashadii ka soo dhex baxday musuqmaasuq iyo ku shubasho badani, taana aanay saamaxayn ee ay maxkamad horgeyn doonaan dambiyada iyo cabashooyinka ay hayaan. 

Ugu dambayntii afhayeenku waxa uu sheegay inay taageerayaashooda iyagoo faraxsan u soo gudbin doonaan guul iyo guul darro waxay arrintani ku dambayso.

Ururada HORMOOD, ASAD iyo SAHAN Waxay hore keli keli iyo wadarba u soo saareen bayaano ay ku cambaaraynayaan sidii loo maamulay doorashadii dawladaha hoose. 

Top


Waa Sidee Xaaladda Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa 

Hargeysa (Haatuf): Xubno ka tirsan ururka xuquuqal insaanka wadaniga ah ee Samotalis ayaa shalay booqday xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxayna xubnihii halkaa booqday sheegeen inay jiraan maxaabiis xadhigoodu muddo dhaaf yahay, iyadoo ay ujeedada booqashada xubnaha Samotalis la xidhiidhay sidii ay xog-ogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda maxaabiista.

Xabsiga dhexe ee Hargeysa sida ay saraakiisha xabsigu u sheegeen xubnaha Samotalis waxa hadda ku xidhan ilaa 438 maxbuus oo ay 231 ka mid ahi gar-sugayaal yihiin, halka ay inta kalena ku xukuman yihiin xadhig kala duwan.

Sida ay Haatuf u sheegeen xubnaha Samatalis intii aanay gelin gudaha xabsiga waxay war-bixin la xidhiidha xaaladda maxaabiista ka dhegaysteen taliyaha xabsiga dhexe ee Hargeysa, Cismaan Axmed Cigaal, wuxuuna taliyuhu ugu horayn waxoogaa ka sheekeeyey sooyaalkii taariikheed ee xabsiga, iyadoo xabsiga dhexe ee Hargeysa la dhisay sannadkii 1947-kii, ayna dhiseen maamulayaashii mustacmarkii Ingiriiska, wuxuuna taliyaha xabsigu sheegay inaan tan iyo mudadaa wax dayac-tir ah lagu samayn, marka laga reebo ayuu yidhi "sannadkii 1959-kii oo lagu kordhiyey xafiisyo iyo sannadkii 2001 oo kor loo qaaday gidaarka dhinaca bari".

Taliyaha xabsigu waxa kale oo uu sheegay inay maxaabiistu cidhiidhi kala kulmaan xabsiga, taas oo ay ugu wacan tahay baaxadda xabsiga iyo tirada maxaabiista lagu soo xidho oo kala badan.

Waxoogaa miisaaniyad ah ayey dawladdu u qoondaysay xabsiga dhexe, laakiin sida ay sheegeen saraakiisha xabsigu intaasi ma haqab-tirto baahida xabsiga, mana jirto cid kale oo uu xabsigu caawimo ka helo, taas darteedna ay ku talo galaan keliya sidii ay isugu filaysiin lahaayeen miisaaniyadaa yar ee ay dawladdu u qoondaysay.

Xubnaha Samotalis waxay soo booqdeen qolalka ay maxaabiistu ku jiraan, iyadoo ay xubnaha Samotalis maxaabiista qaarkood xaal-waraysi la yeesheen, iyaga oo waydiiyey baahiyaha ugu darran, laakiin waxyaalaha ay maxaabiistu ku cawdeen waxa ka mid ah cadaalad daro dhinaca garsoorka ah. "Waxaanu ka cabanaynaa maxkamadaha iyo dembi-baadhayaasha oo aanu cadaalad daro ka tirsanayno"ayey yidhaahdeen maxaabiistu, laakiin waxyaalaha kale ee ay ku cawdeen waxa ka mid ah xadhig muddo dhaaf ah, taas oo ay xabsiga iskaga jiraan, iyadoo aanu xukun maxkamadeed ku dhicin. "Waxa lay soo xidhay 1996-kii, waxaana laygu soo eedeeyey dil, laakiin ilaa hadda maxkamad layma geyn"sidaana waxa yidhi mid ka mid ah maxaabiista xabsiga dhexe. Sidoo kale mid ka mid ah maaxaabiista ayaa isna yidhi "Aniga laba sannadood ayaa laygu soo xukumay, laakiin marna maan arag cidda igu muduciga ah".

Xubnaha guddiga Samotalis intii ay ku dhex-jireen booqashadooda waxyaalihii kale ee ay arkeen waxa ka mid ahaa laba haween ah oo ka mid ah maxaabiista, kuwaas oo xabsiga ku dhex-haysta laba caruur ah oo min sagaal bilood jira oo ay xabsiga dhexdiisa ku dhaleen, waxaana labadaa dumar ah lagu soo eedeeyey fal dil ah, laakiin taliyaha xabsiga ayaa xubnaha Samotalis u sheegay inay labadaa haweenka ah iyo caruurtooda si gaar ah u xanaaneeyaan.

Ugu dambayn xubnaha ururka xuquuqal insaanka ee Samotalis waxay u mahad naqeen saraakiisha xabsiga oo ay sheegeen inay si fiican u soo dhoweeyeen.

Top


Halkuu Ku Dambeeyay Khilaafkii Ku Saabsanaa Shirkadda Aerolite

Hargeysa (Haatuf): Warar xog-ogaal ah, ayaa sheegaya in aanu weli hirgelin heshiis lagu dhexdhexaadinayay labada dhinac ee isku haystay shirkadda Aerolite oo ka mid ah shirkadaha Isgaadhsiinta ee ka hirgalay dalka Somaliland. Waxay ahayd badhtamihii sannadkan markii uu soo shaac baxay khilaaf ka dhex aloosmay mulkiilayaasha Aerolite, kaas oo keenay in ay istaagaan hawlihii ganacsi ee shirkaddu ka waday dalka Somaliland gudahiisa.

Shirkadda Aerolite Somaliland, waxay ahayd mashruuc ganacsi oo ay maalgelintiisa iska kaashadeen labada dhinac ee kala ah:

  • Cabdillaahi Jaamac oo ah nin reer Somaliland ah iyo

  • Maxamed Cabdillaahi oo isagu ka soo jeedda mid ka mid ah deegaanada Soomaalidu degto ee loo yaqaan Kilinka 5aad ee dalka Itoobiya.

Si xal ay ugu helaan khilaafkooda, waxay labada dhinac markii hore isla ogolaadeen in ay arrintooda gasho guddi madaxbanaan oo ka kooban culimaa'udiin iyo ganacsato reer Somaliland ah, taas oo baadhitaan iyo qiimeyn ay sameysay, kadib soo saartay go'aamo ay ku cad yihiin in hantida dhinaca Maxamed Cabdillaahi tahay $1,028,000 (Hal milyan sideed iyo labaatan kun oo dollar), halkay Cabdillaahi Jaamac u xisaabiyeen $120,000 (Boqol iyo labaatan kun oo dollar).

Madaxweynaha JSL, Daahir Rayaale Kaahin laftiisa, ayaa isna dhexgalay labada dhinac ee muransan oo ay aqbaleen talo uu Madaxweynuhu soo jeediyay oo ahayd in shirkadda lagu wareejiyo dhinaca Cabdillaahi Jaamac, taas oo shardi looga dhigay inuu muddo 10 (toban) cisho gudahood ah ku bixiyo kala badh oo badh gashiga uu yeeshay dhinaca Maxamed Cabdillaahi ($ 1,028,000), baaqigana ku siiyo muddo 3 bilood ah.

Inkastoo go'aankaasi la gaadhay 2 bilood ka hor, haddana siday warar xog-ogaal ahi sheegeen weli muu noqon mid hirgala.

Top


Masuuliyiinta Somaliland Oo Beeniyay War Ku Soo Baxay Wargeyska Al-Khaliij

Hargeysa (Haatuf) Masuuliyiinta dalka jamhuuriyada Somaliland ayaa si isdaba joog ah u beeniyay war lagu daabacay dhawaan Wargeyska Al-Khaliij ee ka soo baxa magaalada Shaarija ee dalka Imaaradka Carabta oo sheegay in Ciidamada Maraykanku bilaabeen saldhig milatari oo ay ka dhisanayaan dekeda Berbera dhinaca badda uga jirta 40km taas oo sida u Wargeysku sheegay gogol-xaadhkeeda hore ay u dhamaystireen kooxo ka kala socday Ciidamada sirdoonka ee Maraykanka, Israa'iil iyo Britian. Haddaba madaxweynaha JSL Daahir Rayaale Kaahin ayaa mar uu doraad shirjaraa'id ku qabtay xafiiskiisa, oo uu ugu waramayay weriyayaal ka tirsan warbaahinta dalka, ayaa isna warkaas ay baahisay Al-khaliij ku tilmaamay mid been-abuur ah oo aan haba yaraatee waxba ka jirin. Isaga oo arrintaas kasii hadlaya waxa uu yidhi "ma jirto cid Maraykan ama Israa'iil ah oo saldhig nagala soo xidhiidhay" mar si gaar ah loo weydiiyay in u jiro wax xidhiidha oo maamulka Somaliland la sameeyay dawladda Israa'iil, Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo muuqda ama qarsoon oo dhexmaray Somaliland iyo Israa'iil.

Ma aha markii u horeysay ee warar noocan ahi ku soo baxaan warbaahinta dalalka carabta gaar ahaan kuwa gacanka sida Wargeyska "Al-khaliij" iyo kuwa London ka soo baxa sida "Sharqal Al-Awsad" iyo "Al-Zaman" iyada oo wargeysyadaasi ay baryahan dambe caadaysteen inay Somaliland ka fidiyaan warar aan aasaas lahayn oo ay inta badan ka helaan niman ku nool Muqdisho oo ay ka dhigteen wariyeyaal uga soo warama arrimaha Soomaalida oo dhan, waxaana ka mid ah raggaas nin magaciisa la yidhaahdo Cali Xalane oo magaalada Muqdisho uga soo warama dhawr wargeys oo ay ka mid yihiin Shaqal Awsat, Al-Hayaat, iyo xataa qaybta Af-Carabiga ee BBC-da. Tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxii 11 Sept, waxa Cali Xalane dalka Somaliland la baraystay inuu ka faafiyo warar samays ah oo uu dalkan kolba ku masabadiyo waxaan jirin sida Saldhigyo Maraykan oo Berbera laga sameeyay ama xidhiidh dhex maray Israa'iil iyo Somaliland.

Dabcan tifaftirayaasha wargeysyada la macaamila Cali Xalane ma aha kuwa inta badan xog-ogaal u ah arrimaha ka jira dhulkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxaana dhacda inay warar samaysan ay ka qaataan Cali Xalane iyo kuwa kale ee la midka ah oo Muqdisho ku badan.

Cali Xalane oo la xaqiijiyay inuu ka tirsanyahay shaqaalaha Cabdi Qaasim Salaad, wuxuu intan dambe ku hawlanaa sidii u ambin lahaa rayul caamka ka jira umada carabta oo uu ka horkeeno Somaliland. Isaga oo u adeegaya dagaal oogaha uu u shaqeeyo, mana jirto si u Cali Xalane wax uga ogaan karo xaaladaha ka jira Somaliland.

Top


Badweynta Fanka Iyo Suugaanta

Abdifatah M. C

Maahmaahdu waa qayb ka mid ah suugaanta Somalida kana kooban tixo xambaarsan xikmad marmarna qeexan marna maldahan, intooda badana lama yaqaan cid samaysay iyo goor la sameeyay. Mahamaahda si gooni ah ayaa loo isiticmaalaa waana waxa qudha ee had iyo jeer ku jira hadalkeena, waxay soo koobtaa hadal aad in badan odhan laheyd, badanaa waxa isticmaala qofba qofkuu ka dalyaqaanno, ka waayo aragsanyahay, kana af-tahansanyahay ama uu ka aqoon weyn yahay. Waxaase la moodaa in dhalinyarada wadanka joogta iyo kuwa qurbaha u dhooftay ama ku barbaaray intooda badani aanay aqoon u lahayn habka loo istimaalo iyo meelaha ay ku haboontahay in la galiyo toona. Sidaa daraadeed ayay u ektahay inay gabaabsi yihiin oo leyska dhaafay isticmaalkeedii, waase nasiib daro sababtoo ah maahmaahdu waa udub-dhexaadkii suuganteena, waana in aynu dib u soo noolaynaa, si ay dhallinyarada hadda joogta iyo kuwa soo korayaaba uga faa'iidaystaan. Haddaba, inagoo taa isku dayayna, maanta waxaynu soo qaadanaynaa qaar ka mid ah Maahmaahyada Soomaalida, waana kuwan:

Maahmaahyo

1.Adhijiri ma kala abaal waydo 
2.adhi been waa didaa, beense ma dhutiyo. 
3.Af jooga loo ma adeego. 
4.Af aadan lahayn lama qabto. 
5.Af macaan gacan macaan baa dhaanta. 
6.Af aamusan,marti ma sado. 
7.Af xumo nabad waa kaa geysaa, colaadna wax kaagama tarto. 
8.Af wax cunay aamus. 
9.Arrin rag waa mudacyo afkood. 
10.Amaano kugu raagtey yadaa baa modaa. 
11.Awr awr wado iyo nin naagi wado midna kaa ma baydho. 
12.Aroos lagama raago lagumana raago. 
13.Baryo badan iyo bukaan badanba waa laysku nacaa. 
14.Barasho horteed hay nicin. 
15.Ballan daro waa diin daro. 
16.Boraan hadimo ha qodin, ku dhicidoontaana mooyee. 
17.Biyaha Baddu waa isku dhadhan, 
18.Banaankiis mare maradiisa geed ma qabsato. 
19.Bartii yaqaan bari uma korodho. 
20.Ballaysin bir ka adag. 
21.Baadiyi nin aan lahayn bay ag joogtaa. 
22.Baruuro sabool badhaadhaa leh. 
23.Baruurbaa baruuryo qudhmisa. 
24.Bellaayo intay kaa maqantahay,qayrkaa bayku maqantahay. 
25.Beenlow nin dhintey iyo nin dheer buu markhaati u qabsadaa. 
26.Belaayo kacoo guur ama kac guursay ku Tidhaa . 
27.Bil saddex reerkaagana waykaa saartaa, reer islaammeedna kuma gaadhsiiso. 
28.Biyo badeed meeshaad ka dhadhamisoba waa qadhaadh. 
29. biyo badeed meel macaan ma leh. 
30.Biyo meel godan,bay isugu tagaan. 
31.Doqoneey dab kaa ba'. 
32.Doqoni waxay casarkii kaa maqasho ayey cishihii kugu caydaa. 
33.Doqoni hoosiis bay hadh moodaa 
34.Doqon usha agteeda ku dhufo haday garanwaydona iyada ku dhufo. 
35.Dabar iyo hogaan waa dan isa sidata. 
36.Dab aan lagu guban danbaskiisa lagama leexdo. 
37.Dacawo halkay macal idaad ku dhadhamiso,bay macaluul ugu bakhtidaa. 
38.Rag wax yar tare mooyee wax matare maleh. 
39.Dardaaran cawaysin,kalahaad arooryuu leeyahay. 
40.Dadku waa sida farahaas oo ILLAAH ma simin. 
41.Dadna dadbaa loogu dugaalaa,dugaagna geed. 
42.Dad iyo duunyaba waxaadan filayn ayaa kaaga yimaada. 
43.Dhalin dhafoor bay ku taalaa. 
44.Dhadhanshaa waalan dhergaana ka daran. 
45.Dheriga karka waxaa ka keena kulayl. 
46.Dheri iyo naago toona yar yaraysi ma leh. 
47.Dhar aadan lahayn dhaxan kaama celiyo. 
48.Dhalaankii hooyadood dhalmada baray. 
49.Dhagax tuurow hooyadaa waa qumayo. 
50.Dhubuq dhubuq hore ,dhamanahaysi danbe bay leedahay 
54.Dameerta tan ugu xun ayaa ugu harati kulul. 
55.Dameeri dhaan raran raacday. 
56.Dameero isku halayn bay hooyadood dabada uga nuugaan. 
57.Dumaal nin ka xishoodaa kama ilmo dhalo. 
58.Dirxigu dantiisuu qudhunka ugu jiraa. 
59.Doqoneey dab kaa be. 
60.Dantaada maqaar ay baa loogu seexdaa. 
61.Durduro waxarood xanan bay kula gashaa. 
62.Durduro geel baa kujaba . 
64.Doofaarka ficil la'aan baa loo cadaabaa. 
65.dhicisku inta birta lasoo siduu dhintaa. 
66.Dumar nimaan xukumin ma xurmeeyaan. 
67.Daran Doori yaaba naasnaasi. 
68.Dibi hooyo xumi korme ma noqdo.. 
69.Riyo haday dub leeyihiin, dabadooday ku qarin lahayeen. 
70.Rag is galay kala gallad la'.. 
71.Rawis reerkiisa looma dhaamo . 
72.Rag muraadli'i meel wuu u maraa, muradli' ise meel uma fadhiyo. 
73.Rag hareertaadaa laga dayaa. 
74.In rag karo ayuu reer ka dhintaa.. 
75.Rag waxuu kugu bartuu kugu dilaa 
76.Rag shir laga ma daayo,adhina shiidh laga ma daayo,lo'na shiish barqo laga ma daayo. 
77.Rag gogoshii waa ku godobla'aan. . 
78.Rag lama maleeyo. 
79.Rag aamusey iyoriyo aamusey labaduba reerkoodii gabe. 
80.Raganimo dantaada moogi bay ku jirtaa.. 
81.Raqba waa ku rageed raqiba waaku rageeda. 
82Reerkaan rabay roob igu eri. 
83.In rag karo ayuu reer ka dhintaa.. 
84.Run iyo beeni kala raad la'. 
85.Saantii doraataa sari ka hadhaa 
86.Saxan saxan ku gud, Saan saan ku gud. 
87.Sal laguma fadhiyo ee soor baa lagu fadhiyaa. 
88.Sirrow ma hodmo.. 
89.Sakhaawe ma deeqo.. 
90.Sadaqadi reer mabi'iso. 
91.Siday u geeso weyn tahay uma badiso 
92.Sidaan kuugu lisay iiguma aad hambayn. 
93.Sagaaro laba tun oo lakala qalo male'. 
94.Sagaaro iyo tuuryo in yar baa laysla helaa.

La Soco Arbaca kasta

Top


WAADIGA CIYAARAHA

Bellamy oo la ganaaxay laba ciyaarood

Weeraryahanka kooxda Newcastle, Craig Bellamy, ayaa shalay loo dhiibay ganaax ah inuu dibadda ka jooga laba ciyaarood oo lagu ganaaxay, kadib markii uu Bellamy kaadhkii casaa ee laga saaray ciyaartii ay kooxdiisu la yeelatay kooxda Inter Milan.

Weeraryahankan reer Newcastle, Bellamy oo hore looga joojiyay Saddex ciyaarood, kadib markii uu gef ciyaareed ku sameeyay Tiberiu Ghioane oo u difaaca uga ciyaara Dynamo Kiev.

Xidhiidhka ciyaraha ee FA oo ganaaxan saaray Bellamy, wuxuu ka fadhiyi doona ciyaarta tartanka Champions-ka ee kooxdiisu la yeelanayso Barcelona. 

Xidhiidhka kubadda cagta ee FA, ayaa shalay shaaca ka qaaday in ay ku soo rogeen ganaax kale oo dheeraada oo uu Bellamy ka fadhiyi doono laba ciyaarood oo ay kooxdiisu la yeelanayso Bayer Leverkusen oo bisha February ee sannadka soo socda 18-keeda iyo 26-keeda.

Xidhiidhka Ciyaaraha Kubadda Cagta Yurub ee ganaaxay Bellamy, wuxuu ku eedeeyay fal uu ku waxyeeleeyay ciyaartoy kale. Weeraryahankan Craig Bellamy, wuxuu u dhashay Gobolka Wales ee Boqortooyada Ingiriiska (UK).

Top


Kooxda Everton Oo Heshiis La Gashay Ibraahim Saciid

Ciyaartoyga reer Masar ee ka ciyaara Difaaca Ibraahim Siciid, ayaa ku biiray kooxda Everton ee Dalka Ingiriiska. Mr. Saciid oo ka tirsan kooxda Al Ahli ee dalka Masar, wuxuu ku tegayaa Heshiis dhan 100,000 (boqol kun oo Gini) oo ay ku heshiiyeen kooxaha Al Ahli iyo Everton, taas oo muddadiisu tahay 5 bilood.

Ciyaartoygan Ibraahim Siciid, wuxuu hore ugu guul-daraystay inuu heshiis ciyaareed uu ka helo kooxda Ghent ee Biljimka, waxaanu Ibraahim xaggaagii la xidhiidhay kooxdan uu hadda ku biiray Everton.

Ibraahim Saciid, waa mi ka mid ah ciyaartoyda kubadda cagta ee ugu wanaagsan dalka Masar, waxaanu ku caanyahay inuu ka ciyaaro difaaca iyo khadka dhexe, mararka qaarna safka hore ee weerarka kooxda.

Warkan Ibraahim Saciid ku biiristiisa Everton, waxa ka waramay Maamulaha suuq-geynta ee Al Ahli oo la yidhaa Adly El-kaley, waxaanu yidhi; "Naadigayagu wuu ogolaaday heshiiska amaahda ah ee Everton, waxaanan hubaa inuu ciyaartoygayagu uu guul ballaadhan ka keeni doono ciyaaraha horyaalka Ingiriiska.

Top


Xidhiidhka Kubadda Cagta FA Oo Dersaya Cajaladii Gerrard

Xidhiidhka Kubadda Cagta ee FA, ayaa u fadhiistay inuu derso cajalad ka waramaysa StevenGerrard oo khadka dhexe uga ciyaara Liverpool oo ku joogsaday ciyaartoyga u ciyaara Everton ee Gary Naysmith.

Garsoore Graham Poll, ayaa sheegay in aanu isagu arkayn sida uu u dhacay khaladka uu Gerrard ka galay ciyaartoyga kale ee Naysmith, sidaa daraadeed loo baahan yahay in la baadho sidii ay wax u dhaceen, waxaanu yidhi; "Waa wax aanan arkayn, waxaanan weydiistay xidhiidhka kubadda Cagta FA in ay arrintaa eegto, waxaan dareemay in ay wax dhaceen, laakiin maan fasiri karayn sidii ay wax u dhaceen."

Xidhiidhka kubadda cagta (FA), ayaa isagu ku sheegay website-kooda in ay daawan doonaan cajaladii fiidyowga ee laga duubay ciyaarta, si ay u arkaan sida ay wax u dhaceen inta aanay go'aamin in xukumo ciyaartoyga iyo in kale, haddii arrintan la baadhayo lagu helo Gerrard, waxaa la saari karaa ganaax lacageed ama ciyaaraha oo u safashadooda qaar laga joojiyo.

Steven Gerrard, waxaa sannadkii hore ku dhacay xukun lagaga joojiyay 3 ciyaarood, kadib markii uu gef ku sameeyay George Boateng oo u ciyaara Aston Villa.

Dhacdadan, wuxuu Gerrard isku dayay inuu markiiba raaligelin ka bixiyo, isagoo sheegay in aanu ku talo-gal jugta ugu geysan ciyaartoyga Everton u ciyaara ee Gary Naysmith.

Gerrard wuxuu kale oo uu sheegay in Raaligelintaa uu ka aqbalay Gary Naysmith iyo inuu u sharaxay sidii ay wax u dhaceen ciyaartoy kale oo ka tirsan kooxda Everton.

Top


Riise Oo Ka Baxsaday In Loogu Yeedho Hawlo Milatari Dalkiisa

John Arne Riise oo khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ayaa ka gabanaya in loogu yeedho hawlaha milatariga oo shaqo qaran ka ah dalkiisa Norway ee uu u dhashay.

Ciyaarahanka caalamiga ah ee Reer Norway John Arne Riise waxaa fariin loogu dhiibay hooyadii in uu isa soo xaadiriyo (8)-da bisha January ee sanada fooda inagu soo haysa 2003.

22ka jirka Riise wakiilkiisa oo u waramayay BBC-da ayaa yidhi "Kolba sida ay tahay muddada u ka shaqaysanayo dalka dibadiisa ama aad ka ciyaarayso kubbadda cagta dalka dibadiisa waxaad si toosa uga madaxbanaan tahay in laguugu yeedho hawlo milatari".

Wakiilka Riise Mr Einar Baardson waxaa kale oo hadaladiisa ka mid ah "waxaa xaqiiqa inuu la sii joogo doono, Liverpool, waa wax kalgacal leh hawlaha milatarigu, laakiin sanado ayay ku qaadan doontaa in ay helaan si ay hawshaas ugu diraan".

Riise Hooyadii oo la yidhaa Berit, oo u waramaysay Wargeyska ka "Sun" ayaa tidhi "Haddii uu sanad ka maqnaado Kooxda Liverpool waxay cidhib xumo ku keeni doontaa isaga (10) sanadood".

Riise hooyadii Berit waxay uga digtay wiilkeeda in u yeedhidaa loogu yeedhayo hawsha Milatari ay baabi'inayso xirfadiisa ciyaareed.

Haddii uu 28 jir ku gaadho dalka dibadiisa waxaa jirta in aan loogu yeedhi doonin hawshaas milatari.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga
  • Waa Buug Cusub oo ka hadlaya Kacaankii Mingiste 1974 - 1991

  • Waxa Qortay Ganat Ayale Ambasa, waxa Turjumay M. M. Muuse, Waxa 

Tifaftiray A. Ducaale

Mingistu: Shicibka laftiisu waxay odhan jireen "Ku dhufo", waxayna dhiiri gelin jireen ciidamada, laakiin waxaan xusuustaa mar ay ciidamada circa, kuwa dhulka, kuwa khaaska ah iyo kuwa boolisku ay is laayeen, sidoo kalena ciidamada dalaayadaha ku booda iyo kuwa tobagaraafiyada loo yaqaan ay iyaguna kala baxeen oo ay iska soo hor-jeesteen, dabadeedna waxa dhacday in ciidamada la dhex-dhigo hadalo borobagaandha ah oo lagu kala fogaynayo, wararka caynkaas ah ee barabagaandhada ahina hadii ay socdaan waxay keeni kari lahaayeen tafaraaruq soo dhex-gala isku duubnida ciidamada, iyadoo uu ciidamada booliska iyo ciidamada milateriga ka dhexeeyey iskaashi fiicani, dabadeedna si aanu u joojino xamaasadda ciidamada soo dhex-gashay waxaanu Adis-ababa gudaheeda ka samaynay banaan-bax aanu ku diidanahay taa, ka dibna aniga iyo niman kale oo saraakiil ah ayaa suuqyada magaalada soo galay si aanu u eegno dareenka dadweynaha, waxaanuna soo maray xaafadda Siddis Kiiloo ilaa xaafadda goojaan-baradha ayaanu soconay , laakiin waanu sii soconay oo meelo badan oo magaalada ah ayaanu ku soo wareegnay, waxaana socday sawaxan badan iyo dareen kacsan, isla markaana waxaanu maq-maqlaynay hadalo badan oo soo bax-baxayey, hadaladaa aanu maq-maqlaynay ee ay dadku ku sawaxmayeen ama ku dhawaaqayeen waxa ka mid ahaa "Laaya doofaarada xun-xun maxaad ka eeganaysaan, maad is-dhaafisaan".

Professor Masfin iyo Dr. Shaabiya Baraka way ka soo horjeedeen arinta ku saabsan baadhista ay wadeen guddiga loo saaray inay baadhaan saraakiisha xidh-xidhan, waxayna labadaa nin (Msafin & Baraka) isku dayeen inay burburiyaan guddigii baadhayey saraakiishii xidh-xidhnayd ee maamulkii boqor Xayle Salaase, laakiin Professoor Masfin sida uu maanta u hadlayo ee uu leeyahay xuquuqal insaan baa meel lagaga dhacay berigaa muu lahayn xuquuqal insaanku sidaa ma aha, wuxuuna nagula talin jiray wax ka duwan waxa uu maanta ku doodayo, tusaale ahaan mararka uu talooyinka noo jeedinayo ama arimahaa ka hadlayo waxyaalaha uu tusaalaha u soo qaadan jiray waxa ka mid ahaa taariikhdii kacaankii dalka Spain.

Sida la ogyahay kacaankii dalka Spain waxa uu qarxay markii uu dunida ka socday dagaalkii labaad, sidaa darteed ururkii kacaankaa hogaaminayey waxa hogaaminayey guddi, guddigaasina waxay gacantooda ku urursadeen awooddii oo dhan ayey sameeyeen waxyaalo badan, isla markaana waxay caalamka tuseen muuqalo siyaasiya oo ay ku soo ban-dhigayaan inay qabteen waxyaalo badan oo taariikhiya...

La soco cadadka dambe...

Top


Diyaarad Maraykanku Leeyahay Oo Lagu Soo Riday Ciraaq

Baqdaad (W. Wararka) Ciidamada Cirka ee Ciraaq ayaa dhulka soo dhigay diyaarad nooca wax basaasa ah oo aan duuliye kaxayn, una leeyahay Maraykanku mar ay shalay hawl baadhitaan hawada ah ka waday xuduuda hawada Ciraaq.

Diyaaradan oo ah nooca raadaarku ku rikibanyahay ma cadda sida ay soo dhicisteedu ku timid, balse waxa la sheegay in uu ku dhacay gantaal ay ku ganneen Ciidamada difaaca cirka ee Ciraaq. Laakiin waxa taa shaki ka muujiyay dawladda maraykanka.

Dhacdadani waxay ku soo beegantay iyadoo u muran ka taaganyahay joogitaanka Baadhayaasha hubka ee ku sugan Ciraaq. Iyadoo khuburada wakaalada qaramada midoobay u qaabilsan hubka halista ah ay sheegeen inay su'aalo weydiinayaan khuburo ka socota Ciraaq oo ku saabsan barnaamijka hubka ee dalkaasi, kuwaasoo la filayo inay bixiyaan macluumaad ku saabsan heerka uu gaadhsiisanyahay hubka wax gumaada ee Ciraaq. 

Isla markaana waxa ay Baadhayaasha hubku baadhitaankoodii ka wadaan gudaha Ciraaq iyadoo baadhayaal gaadhaya 109 xubnood ay ku suganyihiin halkaasi waxaanay isu qaybiyeen gobolada iyo degmooyinka dalkaasi.

Top


Madaxweynaha Iiraan Oo Ku Hanjabay Sii Horumarinayaan Hubkooda Halista Ah

Islamabad (W. Wararka) Madaxweynaha dalka Iiraan Maxamed Khaatami ayaa ku hanjabay inay sii horumarinayaan hubkooda halista ah. Waxaanu sidaa ka sheegay Madaxweyne Khaatami shirjaraa'id oo ay wada jir u qabteen isaga iyo Ra'iisal wasaaraha Pakistan Dafrala Khan magaalada Islamabaad oo uu haatan booqasho ku joogo Maxamed Khaatami.

Waxaanu intaa ku daray in mashruuca horumarinta hubka halista ah ee Iiraan in loo adeegsan doono wax soo saar dhinaca difaaca dalkooda ah, balse aanay u adeegsanayn wax duulaan ah, waxaanu yidhi "waanu ixtiraamaynaa heshiiska ku saabsan hubka halista ah kaasoo aanaan marna ku xad-gudbi doonin" isagoo intaa ku daray inay ka digtoon yihiin halista ay taasi ku keeni karayso deegaanka oo dhan. Isla markaana waxa uu xusay sida ay u haboontahay in gobolkaasi ka nabadgelo hubka halista ah. Waxa kale oo xusay in halka cadaadiska laga saarayo Pakistan ay ku haboontahay in cadaadis xooga la saaro dawladda Israa'iil.

Dawladda Iiraan oo heshiis dhinaca hubka halista ah lala leh dawladda Ruushka oo ay kala saxeexdeen 1994kii ayaa bilawday dhismaha xarun hubka wax gumaada lagu farsameeyo oo ku taalla dekedda Bush-Har oo ku taala dhinaca Koonfur Galbeed ee dalkaasi. 

Top


Dawladda Zambia Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Madaxweynihii hore dalkaas

Lusaka (W. Wararka) Dawladda Zambia ayaa xayiraad ku soo rogtay madaxweyihii hore ee dalkaasi Vederick Chiluba iyo xaaskiisa oo ku talo jiray inay u safraan dalka Ingiriiska si loogu soo sameeyo baadhitaan dhinaca caafimaadka, taasoo ay dawladda Zambia sabab uga dhigtay iyadoo madaxweynaha hore ay ku socoto baadhitaan ku saabsan lunsi hanti qaran iyo musuqmaasuq u galay intii uu talada dalkaasi hayay.

Chiluba oo talada dalkaasi ka tagay December 2001, markii uu ku fashilmay inuu dastuurka dalkaasi wax ka beddelo xiligaasoo ay u dhammaatay 10 sanadood uu dastuurku u ogolyahay inuu Madaxweynuhu xilka hayn karo.

Waxaanu ku dooday in aanay waxba ka jirin eedaha loo soo jeedinayo isagoo codsaday in loo ogolaado safarka ay isaga iyo xaaskiisu ugu baxayaan magaalada London. Balse Xukuumadda dalkaasi ayaa gaashaanka ku dhufatay. Waa markii labaad oo Chiluba loo diido safar uu damacsanaa inuu dibadda ugu baxo, isagoo haatanba ku jira xayiraad guri, tan iyo markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuqa u galay tobankii sano ee uu xukunka hayay iyadoo baarlamaanka dalkaasina ka qaaday maamuuskii uu lahaa, laakiin Chiluba waxa uu rafcaan u qaatay Maxkamadda sare ee dalkaasi oo aan weli jawaab soo saarin.

Top


Hirgalinta Barnaamijkan Waxa u Xilsaaran Oo Na Soo Gaadhsiisay 

Hay'adda UNDP - Q: 3aad

Diyaar garawga wadada loo marayo hirgelinta qaraarka barnaamijka horumarinta ee 2000 (Millennium) waxaa lagama maarmaan u ah la tashiga xubnaha Xoghaynta qaramadda midoobay iyo wakiilada hay'adda lacagta adduunka (IMF), baanka adduunka (World Bank) si loo dardargaliyo fulinta bartilmaameedka horumarinta ee la gudoonsaday sanadii 2000.

Warbixinta heerka ay dalalka adduunku u hirgaliyeen barnaamijka horumarinta adduunka iyo guud ahaan sidii dunida uu uga hirgalay waxa isku dubridaya hay'adda UNDESA iyo UNDP, warbixinta ay hay'addaasi agaasimayaan waxay ku salaysnaan doontaa (2) arrimood oo kala ah (1) la tashi iyo wada shaqayn lala yeesho dhammaan hay'addaha ay arrimahani khuseeyaan sida UN-Development Group, WHO, UNITAD, barnaamijka bartilmaameedka horumarka ee loogu magaca daray Millennium (2000) waxay yihiin bartilmaameedkiisu sidan hoos ku qoran:

Hiigsiga koowaad ee bartilmaameedka cidhibtirka saboolnimada xad dhaafka ah iyo gaajada.

Bartilmaameedka 1aad: sanadkii 1990-2015 dadka dakhligoodu uu ka yaryahay 1$ maalintii.
Hirgelinta:

  1. saamiga dadka uu dakhligoodu ka yaryahay 1$

  2. farqiga saboolnimada.

Bartilmaameedka 2aad:
1990-2015 Dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay gaajada.
Hirgelinta:

  1. Carruurta uu miisaankoodu ka hooseeyo heerka caafimaad qabka jidhka

  2. Dadka uu Raashinkoodu ka hooseeyo heerka cuntada dheeliga tiran
    Hiigsiga 2aad Waxbarashada Aasaasiga Ah oo si guud loo gaadhsiiyo dadweynaha

Bartilmaameedka 3aad:
Xaqiijinta in sanada 2015 ay Carruurta meel kasta ha joogtee, wiilal iyo gabdhaba in ay heli karaan waxbarasho buuxda oo ah tan aasaasiga ah.
Hirgelinta:

  1. Tirada sugan ee saamiga waxbarashadda aasaasiga ah

  2. Saamiga ardayda bilaabaysa fasalada koowaad ee dugsiyada ilaa fasalada 5aad

  3. Tirada wax qorta ee da'da 15-24 jir

Hiigsiga 3aad
bartilmaameedka 4aad
In la yareeyo farqiga wiilasha iyo hablaha ee dugsiyada Waxbarashada sanada 2005 ee dugsiyada Waxbarashada aasaasiga ah iyo tan dugsiyada sare, oo isku dheelitirkaasi aanu ka dambayn sanada 2015.
Hirgelinta:

  1. saamiga hablaha ee inamada dhigta dugsiyada hoose, dugsiyada sare, Waxbarashada dadka aan xirfadaha aqoon.

  2. saamiga haweenka wax qora ee raga dada 15 ilaa 24 jir

  3. Qaybta haweenka ee shaqooyinka mihnadaha ah.

  4. Saamiga ay haweenku ku leeyihiin Golaha Wakiiladda

Hiigsiga 4aad
Yareynta Carruurta u le'ata Daryeel la'aanta
Bartilmaameedka 5aad.
Yareynta 2 daloolow saddex sanadaha 1990-2015 le'ashaada Carruurta da'doodu ka yar tahay 5 jirka.

  1. Heerka dhimashada Carruurta ay da'doodu ka yartahay 5 jir

  2. Heerka dhimashada dhalaanka 

  3. Saamiga Carruurta da'doodu ay ka yartahay gu' jirka ee laga talaalay jadeecada.

Hiigsiga 5aad
Horumarinta Adeega hawlaha caafimaadka haweenka iyo umulaha
Bartilmaameedka 6aad
Hirgelinta:

  1. Saamiga haweenka ku geeriyooday xiliga umulista

  2. Saamiga dhalasho carruureed ee ay goob joog ahayd dhalashadoodii hawl wadeen caafimaad oo aqoon iyo xirfad u leh hawlaha caafimaadka.

Hiigsiga 6aad
La Dagaalanka Cudurada HIV/AIDS Kaneecada iyo Cudurada kale
Bartilmaameedka 7aad
In la joojiyo sanada 2015, faafida cudurka HIV/AIDS iyo hoos u dhiga tirada dadka qaba cudurkaas ee adduunka.
Hirgelinta:

  1. Heerka HIV ee haweenka da'doodu tahay 15 jir ilaa 24 jir ee uurka leh.

  2. Heerka ka hortaga cudurka HIV/AIDS

  3. Tirada Carruurta u agoomawday Cudurka HIV/AIDS

Bartilmaameedka 8aad
Joojinta iyo hoos u celinta cudurka kaneecada iyo cudurada kale ee waaweyn
Hirgelinta:

  1. Heerka dhimashada uu sababay cudurka kaneecadu

  2. Saamiga dadka ay gaadhay waxyeelada cudurka kaneecadu ee laga hirgaliyay deegaanadooda ka hortag cudurka kaneecada oo waxtar leh.

  3. Heerka dhimashada ee uu sababay cudurka feedhaha ee (TB)

  4. Saamiga dadka uu ku dhacay cudurka feedhaha ee TB ee lagu daweeyay qaabka DOT (Directed Observed Treatment Short Course) Habkan Dot, waa bukaanka TB-da in u si toosa oo aan kala joojin lahayn uu u qaato daawada TB-da.

Hiigsiga 7aad
Xaqiijinta Daryeelka Joogtada ah Ee Deegaanka
Bartilmaameedka 9aad
Qaabab isku dhafan oo aas aas u noqda daryeel deegaan oo joogto ah dhinaca siyaasada wadan joojinta waxyeelada khayraadka deegaan.
Hirgelita 

  1. Saamiga dhulka deegaan ee kaymaha leh.

  2. Dhulka Deegaan ee loo Ilaaliya si loo dhawro nolosha dabiiciga ah.

  3. cabirka tamareed (GDP) ee la isticmaalay.

  4. Laba tusaale oo ah wasakhowga hawada iyo deegaanka.

Top