Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1049 Feb.22, 2006

Golaha Guurtida Oo Qaramada Midoobay Ku Eedeeyey Inay Wado Barnaamij Dib Loogu Midaynayo Dalkii La Isku Odhan Jiray Somalia

BADHEEDHAHA: Aan Tilmaano Dawlad Tayo Leh

Wejiyada Cusub Ee Dagaalka Ka Qarxay Muqdisho Iyo Loolanka Awoodeed Ee Ka Dhex Aloosmay Hogaamiye-Kooxeedyada Iyo Maxkamadaha Islaamiga Ah

Dagaal Maalintii Afraad Ka Socda Muqdisho
Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Maayarka Ayaa Joojiyay Xil-Wareejintii, Waxaanu Ii Sheegay In Madaxweynuhu Amray In La Hakiyo”
Maxamed Daa’uud Axdar, Xoghayaha La Bedelay Ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Shariif Xasan Oo Booqday Goobaha Lagu Qabanayo Shirka Baarlamaanka

Ardayda Wax Ka Barta Dugsiga Madiino Warsame Ee Muqdisho Oo Deeq Gudoonsiiyay Gudiga Gurmadka Abaaraha

Ronaldo: Taageerayaasha Kooxda Aan U Ciyaaro Ee Real Madrid Waligood Imay Ogolayn

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Saldhigga Bileyska Boorama Ma Nabadgelyaduu Ka Shaqeeyaa Mise Nabadgelyo Darada?

SOCDAALKII DHEERAA! (1988-1991)
Q: 2-aad – Qore: Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
"Baqoolkii U Horeeyey Iyo Berbera"

ARRIMAHA CAAFIMAADKA
Cudurka Cagaarshowga (Hepatitis, viral)
Barre Adduunyo, Freelance writer (SSJW)

Guusha Xamaas iyo Gardarada Maraykanka


Golaha Guurtida Oo Qaramada Midoobay Ku
Eedeeyey Inay Wado Barnaamij Dib Loogu
Midaynayo Dalkii La Isku Odhan Jiray Somalia

“Waxa inagu socda Barnaamij lagu xoojinayo Bulshadda rayidka ah, ujeeddaduna ay tahay wiiqida maamulka Dowliga ah, oo ay rabto Qaramada Midoobay in lagu mideeyo Somaliyadii hore”

Hargeysa, February 22, 2006 (Haatuf) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa ku eedeeyey Qaramada Midoobay inay wado barnaamij ay ku xoojinayso waxa loo yaqaano bulshada rayidka ah, ujeedadiisuna tahay wiiqida maamulka dawliga ah si ay u dhistaan wadadii loo mari lahaa dib u midaynta dalkii la isku odhan jiray Somalia.

Golaha guurtidu waxay sidaa ku sheegeen warbixin dheer oo ay ka soo saareen kalfadhigoodii 28-aad oo shalay la soo gebagabeeyey, isaga oo ugu baaqay dawladda, golayaasha iyo muwaadiniintaba inay ka foojignaadaan arrintaasi, aragti midaysana laga yeesho.
Warbixintan oo ayku saxeexan yihiin Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Guurtida Sheekh Axmed Nuux, isla markaana ahaa ku simihii gudoomiyaha iyo xoghayaha guud ee golaha Guurtida C/laahi Ibraahim Habane waxa ay ka dambaysay markii uu goluhu warbixino kala duwan ka dhegeystay guddiyada golaha, intii uu ku guda jiray kalfadhigii 28-aad, kuwaas oo xog-waraysiyo la soo yeeshay, wasaarado ka tirsan xukuumadda.

Gebagabadii fadhigan ee shalay oo uu gudoominayey, gudoomiyaha golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan oo sheegay in kalfadhigii 28-aad uu soo gebagaboobay, mudanayaashuna geli doonaan fasax bile, balse wuxuu intaa ku daray in goluhu isku iman karo, haddii arrimo isku iman karo, haddii arrimo xasaasi ahi yimaadaan.

Gudoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in martiqaad uu Britain ka helay si uu uga qayb galo xaflad lagu furayo, guri cusub oo loo dhisay baarlamaanka gobolka Wales, aanay u suurto gelayn inuu ka qayb galo, sidaa darteedna uu u wakiishay gudoomiye ku xigeenka koowaad Sheekh Axmd Sheekh Nuux, isagoo aan faah-faahin ka ixin sababta uu uga baaqsaday ka qayb galka marti qaadkaasi.

Intaa ka dib waxa uu gudoomiyuhu mudanayaasha uga xog waramay socdaalkiisii uu dhawaan kaga soo laabtay dalka Ingiriiska, waxaanu si gaara ah u xusay gudoomiye ku xigeenka Midawga Afrika inuu warbixin fiican ka bixiyey Somaliland, taasi oo lagu baahiyey saxaafada debada, gaar ahaana wargeysyada ka soo baxa dalka Britain.

Warbixinta ay soo saareen golaha guurtidu, go’aamadii ay ku soo gebagabayeen waxay u qornayd sidan:

“Warbixintan wax-qabad ee kal-fadhigan 28aad waxaynu ku gunaanadaynaa Go’aamadani oo u Goluhu isaga oo dhegaystay Aaraadii Mudanayaasha & Tallo soo jeedimihii Guddi-hoosaadyada uu Gaadhay, waxayna kala yihiin sidani: -

I. Siyaasada.
b) Gudaha
1. Waqtigani imika oo aynu ka soo gudubnay doorashooyinkii aynu ku hiigsanaynay Dimoqoraadiyada & hanaanka xukun-wanaaga, waxa loo baahan yahay in ay midho-dhal noqdaan, sida ay ku noqon karaana waa inaga oo ku dhawaana in uu shaqeeyo sharcigu (Rule of Law), sharciguna uu noqdo waxa ugu sareeya ee ay saammayso Ciqaabtiisu Madax iyo mijaba. Nabadii Muddada dheer aynu ka soo shaqaynaynay jiri mayso haddii aan la wanaajin Maamulka, Garsoorka iyo u sinaanshaha ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga ah, bad iyo Bariba iwm.

2. Dabacsanaanta inaga muuqata Maamul ahaan & Qaran ahaanba waa in wax laga beddela oo Is-beddel inu lagama maar-maan yahayna aynu yiqiinsanaa, watana xisaabtankiisa.

3. Waxa inagu socda Barnaamij Siyaasadihiisa iyo dhaqaalihiisaba wata oo lagu xoojinayo waxa loo yaqaano Bulshadda rayidka ah, ujeeddaduna ay tahay wiiqida maamulka Dowliga ah, oo ay rabto Jimciyada Qaramada Midoobay si ay uga dhigtaan wadadii lagu midayn laha Somaliyadii hore, Sidaasi darteedna, xukuumad, Goleyaal & muwaadiniinta Ururada Bulshada Rayidka ahba waxa ku waajib ah in laga yeesho taxadir & foojignaan, si Dowli ahna loo xisaabtamo oo aragtideeda la yeesho, hay’addaha Dowladda ee arrimahani u xilsaaranina ay gutaan waajibaadkooda, si gaar ah Wasaaradda Qorshaynta Qaranka waxa laga rabaa in ay yeelato daba-gal iyo kontorool adag oo aanay noqon uun meel la iska diiwaan geliyo, hubiyaana wax-qabadka & maamulka xafiisyada ama daladaha la magac baxay Bulshada Rayidka ah.

t) Dibadda: -
1. Awoodeena Dhaqaale in kasta oo ay inaga xaddidayso wax badan, haddana intii suurto gal ah waxay tahay in xukuumaddu ku dedaasho kharashyada Maaliyadeed ee loogu hawl-galayo ololeyaasha ictiraaf-raadinta.

2. Xukuumad iyo Goleyaal ahaanba waxa inala gudboon in aynu si taxadir e hula socono markastaba heerka iyo meesha uu marayo kolba Barnaamijka JNA.

3. Arrimaha Inagaga socda jiidan inagu dhaw ee Kilinka 5aad ee Ethiopia, gaar ahaana hawshani ku lidiga ah Somaliland ee ay wadaan Jabhada la baxday ONLF, caqabadana ku ah wada noolaanshihii iyo deris-wanaagii labadda Bulsho & Labada Dalba, waxa inagala gudboon in aynu u helno qaaciido aynu ku xalili karno mushkiladaasi, taasi oo keeni karta haddii ay sii socoto colaad adag oo dhex-marta labadda Bulsho, dana u ahayn dhinacnaba.
Arrintaasi Dowlad ahaan waa lagu gudo-jiraa, iyada oo wada jir ahaan la iskaga kaashanayo Dowladda Ethiopia, odayaasha iyo wax-garadka deegaanka ay ka soo jeedaan ONLFtu, si loo soo afjaro dhibaatooyinka socda.

II. Nabad-gelyada.
1. Si arrimaha Dhulka Mushkiladihiisa loo soo afjaro waa in Goleyaasha Sharci dejintu si deg-deg ah ugu ansixiyaan xukuumadda wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka dhulka ee Lambar 17.

2. Ciidamada kala duwan ee qaar ka mid ahi ku lug leeyihiin Dhul-boobka, waa in Talliyeyaashu Ciidamadu tallaabo adag ka qaadaan oo ay kaga xaslanayaan ka qayb-galka noocaas ah, ka dib marka ay maamulka Dowladaha Hoose ka helaan kuwa caadaystay dhaqan xumada noocaas ah. Cidii dhul doonaysaana ay u marto hanaanka jaran-jarta dhul-bixinta, dhaqankaasina wuxu ahaa mid ka jiray Hargeysa intii aan laga qixin, waana arrin aan loo baahnayn in ay maanta inaga muuqato oon dib ugu noqono.

3. Arrinta ku saabsan Dilalka, waa in ay Maxkamaduhu sida ugu dhaqsaha badan u dhamaystiraan dadka loo haysto in ay gaysteen dilalka, si ay xukuumaddu u fuliso qisaasta. Arrintani oo raagtaa waa ta dhalisa in ay dadku yidhaahdaan ha la is raaciyo iyo waa in lala aasaa, Sidaas darteed, wixi aan mugdi ku jirin een baadhis qoto dheer u baahnayn lana xidhiidha dilalka camdiga ah, waa in loo fuliyaa sida ugu dhaqsaha badan iyada oo la dhamaystirayo hanaanka jaran-jarada Maxkamadaha kala sareeya.

III. Arrimaha Bulshada.
1. Cadaaladdu waa saldhiga Nabad-gelyada, Sidaasi darteed, iyada oo qof walba aad moodo in uu Cadaalada gacantiisa ku sito, waxa lagama maar-maan ah in Barnaamijyo taxane ah iyo ors la xidhiidha Cadaaladda iyo maamul wanaag sida loo gaadhayo laga yeesho, taasi oo ujeedada aynu ka leenahay ay tahay in qof waliba uu ogaado kaallinta uu ku leeyahay. Barnaamijyada noocaas ah waa in ay xukuumaddu qaban-qaabintiisa orsed ka noqotaa.

2. Komishanka Xuquuqda Aadamaha oo door wax ku ool ah ka qaadan lahaa hirgelinta maamul-wanaaga iyo in sharcigu shaqeeyo, hawlihiisuna ay dhammaystir ku dhow yihiin, ayaa waxa Wasaaradda Cadaaladda laga codsanaya, laguna adkaynayaa in ay u gudbiyaan Barnaamijkiisa Golaha Wasiiradda.

3. Xabsiyada dalka ee dhinacyada Dayactirka & Daryeelka maxaabiistaba waa in loo lahaadaa fiiro gaar ah, wax-ka-beddelna lagu talaabsada cid kastaba halala kaashadee.

4. Wasaaradda Ciyaaraha & Sportiga oo ku hawlan Barnaamijyo wax ku ool ah, intii la awoodi karo waa in lagu gacan-siiyaa, si da’yarta loogu bar-baariyo dhaqanka iyo qiyamka toosan.

5. Dowladdaha hoose ee dalku waa in ay xil iska saaraan sidii ay dhallinyarada ugu samayn lahaayeen Garoomaddii ay ku ciyaari lahaayeen, oo ay uga qoondeeyaan meelaha danta Guud ah.

6. Cuddurka HIV/AIDS oo sida ay warbixino laga qoray dalkeena iyo daraasaad laga sameeyay sheegayaan in korodhkiisu marayo 1.4%, ayay Qaran ahaan inala gudboon tahay in aynu ka qaadano Ololayaal balaadhan oo dhinaca wacyi-galinta ah, gaar ahaana waa in ay iska kaashadaan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta & Golaha Guurtiddu.

7. In kasta oo ay xukuumaddu dadaal ka muujisay wax-ka-beddelna laga sameeyay dhinacyada Garsoorka iyo Dadka ku hawlanba, haddana waxa loo baahan yahay in dib loogu noqdo oo qiimayn dambe loo yeesho dhinaca xil-gudashada Garsoorayaasha, Guddiga cadaaladduna qadaan tallaabooyin wax-ku-ool ah oo loogu dhawaanayo socodsiinta iyo meel-marinta habsami u socodka hawlaha dhinaca Garsoorka.

8. Waxa baahi loo qabaa sidii looga gudbi lahaa daawooyinka Xoolaha ee ay cid waliba ka ganacsanayso. Sidaasi darteed Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha waxa lagu adkaynayaa in ay la yimaadaan hal-abbuur, siyaasad cad & xeerkeedii oo qeexaya cidda ka ganacsan karta iyo waajibaadka laga rabo, ma aha in dhibaatada aynu sheegno oo keliya, balse xal baa la inooga baahan yahay ka mas’uuliyiin ahaan.

9. Wakaaladda Biyaha Hargeysa maamulkeeda dedaalna wuu ka muuqdaa, dabacsanaan maamul iyo dhibaatooyin kalena way haystaan. Sidaas darteedna, waxa xukuumadda looga baahan yahay in loo gurmado oo wax lagala qabto toosinta maamulka oo uu ku imanayo dakhli u soo kordha.

IV. Shuruucda.
1. Xeerarka aynu ku shaqayno in loo helo dariiqadii loogu turjumi lahaa luqada Afka Soomaaliga, isla mar ahaantaana loo waafajin lahaa Dastuurka Dalka. Waa arrin u baahan in Maanka lagu hayo, loona sammeeyo qorshe iyo jadwal, Miisaaniyad iwm, oo ay xukuumaddu meel-mariso.

2. Xeerar dhaqameedka ku saabsan shilalka Gaadiidka oo inta badan ay Goboladdu ku kala duwan yihiin, haddii moran ka yimadana ay axkamadda sare raacdo in ay wada bixiyaan wadihii iyo hantiilihii, waxay u baahan tahay in la mideeyo, waayo Qaranku haddaanu ka wada socon dhinaca Shuruucda (Mid dhaqan & kuwo kaleba) laxaadkiisa & awoodiisu way kala dhantaalan tahay. Arrintaasi cid kastaba ha la kaashade cidii uu Dastuurku awood u siiyay ayaa laga sugayaa oo ah Goleheenan Guurti.

3. Shuruucdii Goleyaasha xeer-dejintu ay hore u ansixiyeen waa in ay xukuumaddu faafin iyo dhaqan-gal ku samaysaa, haddii qaarkood loo baahan yahay in wax-ka-beddel lagu sameeyana dib loogu soo celiyaa Goleyaasha Xeer-dejinta.

4. Shuruucdii la dejiyay xilligii Axdi-Qarameedka (National Charter) waa in dib loo waafajiyaa Distoorka oo ay xukuumaddu hawshaasi & kuwo kaleba cid u yeeshaa.
5. Wixii shuruuc ah ee loo soo gudbinayo Goleyaasha Xeer-dejintu waa in ay ku yimaadaan oo ay kaga soo baxaan Dhinaca Xukuumadda luqada koowaad, ahna Afka Soomaaliga.

V. Dhaqaalaha
1. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta xeebuhu waa in ay ka hawl-gasha sidii ay kheyraadka badeena ee ogolaanshaha fasaxida ka kalluumaysigu uga hir-geli lahaa dhammaanba deegaanada xeebaha Somaliland, si looga baxo u sinaansho la’aanta ka faa’idaysiga kheyraadka Badda, taasi oo ay sabab u tahay xeebihii oon gacanteena maamulba ku wada jirin. Arrimahaasi haddii ay sii socdaan waxa ka dhallan kara dareemo kala duwan oo leh wejiyadooda.

2. Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga waxa laga codsanaya oo ay tahay in ay la yimaadaan kuna dhaqaaqaan Barnaamij leh qorshayaashiisa oo lagaga hortagi karo xaalufkan ba’an iyo dhir-shidistani inagu socoto, sidoo kale Barnaamijkii kala xadaynta daaqeenka iyo Beeraha in dib loogu noqdo oo la dhaqan geliyo ayaa lagama maar maan ah. Ka Gole Guurti ahaan diyaar baanu u nahay in aanu kala hawl-galno Wasaaradda, Guud ahaanba waxay inooga baahato, gaar ahaana dhinaca wacyi-gelinta Bulshadda.

3. Wasaaradda Ganacsiga & Wershadaha oo ah laba Wasaaradood oo isku jira waxa laga rabaa in ay muhiimada koowaad siiyaan dhaqan-gelinta Qoddobadani:-

b) Xeerkii kala-xadaynta Ganacsigu waa in uu dhaqan gala, haddii ay jiraan Qoddobo aan munaasib ahayn oo hortaagan dhaqan-galka xeerkaasina, waxa haboon ama ay tahayba in si deg-deg ah wax-ka-beddelkiisa Goleyaasha dib loogu soo celiyo.
t) Si loo dhiiri-geliyo wax soo saarka wadaaniga ah waxa looga baahan yahay Wasaaraddu in ay dejiso siyaasadii iyo Barnaamijkii ay ku socodsiin lahayd, kuna meel marin lahayd arrintaasi. Dal kasta oo dunida aynu ku nool-nahay ka jira wuxu arrimahaasi ka leeyahay Siyaasadd cad oon mugdi ku jirin.
j) Wasaaraddu iyada oo gacan siinaysa ururka Wershadlayda Somaliland, waxa looga baahan yahay in ay dowladaha hoose ee dalka uga suurto-geliso sidii deegaan wershadeed loogu qoondayn lahaa, marka la diyaarinayo Naqshadaha dhulka ee maab fidinta.
4. Wasaaradda Xanaanada Xooluhu, xil adag iyo foojignaan ha u yeeshaan kawaanada Xoolaha lagu qalo, si ay ula socdaan xoolaha la qalayo caafimaadkooda, dhinaca kalana nadaafada Goobaha kawaanada, gaar ahaana kawaankani casriga ah ee Hargeysa laga hir-geliyay dhawaan.
5. Goluhu wuu soo dhawaynayaa, kuna boogaadinayaa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Shaybaadhka Casriga ah ee dhawaan lagu shaqayn doono, lagagana maarmi doono baadhitaanadii aynu Dibeda u diri jirnay, jawaabaha ka soo noqon karayayna ay yeelan karayeen wejiyo siyaasadeed iwm.

Go’aamaddani tallo-soo-jeedineed ee uu Goluhu kal-fadhigani 28aad soo saaray waxa ay yihiin qaar mudan in Wasaaradd waliba inta ay ku leedahay ficil ahaan u hirgeliso, wixi aan u suurto-galayna sababteeda ay u soo gudbiyaan Golahan kal-fadhigani soo socda, Sidaasi waxa ay tahay nidaamka wada-shaqaynta Dowladnimada iyo habsami ugu adeegida Bulshadda iyadoo la is-garabsanayo.
Waxaan inoo rajaynaynaa dhamaanteenba Guul, Horumar iyo in aynu ku tallaabsano oo aynu gaadhno himmiladeena oo ah dhisida Qaran madax-banaan oo ku shaqeeya Dastuurka iyo Shuruucda isaga oo wada jir ah.”
 

Top


BADHEEDHAHA: Aan Tilmaano Dawlad Tayo Leh

Ayaamahanba waxa la hadalhayay oo lagaga doodayay goobaha la isugu yimaado dib-u-shaandheynta golaha wasiirada ee la filaayo inuu Madaxweyne Daahir Rayaale dhawaan soo saaro iyo dib-u-dhisidda wax loogu yeedho dawlad tiro yar oo tayo leh.

Haddaba waxa isweydiin leh Dawladda kooban ee tayada lihi waa ta noocee ah. Ma mid wasaarado kooban iyo wasiiro magacyo waaweyn lehbaa? Ma mid beeluhu ka wada muuqdaan oo hebel eri oo hebel ku bedel baa?

Koleyba iyada oo dadku ay mabda’iyan u muuqdaan kuwo isku raacsan in Dawladda laga dhigo mid tayo leh oo tiro yar, haddana waxa inta badan aanu dadku xaalayn waxay noqonayaan ujeedooyinka iyo danaha ugu mudan ee ay dawladdaasi wax ka qabanayso.

Asal ahaanba marka wax la dhisayo waa inay jirtaa baahi taagan iyo danno wax-u-qabad dhaw iyo mid fogba leh oo hawshaasi daboolayso, waxaana mar walba daruuri ah in marka horeba la abaaro baahiyaha la daboolayo iyo ujeedooyinka la higsanayaa siday u kala mudan yihiin.
Marka Somaliland loo yimaado waxaynu markastaba soo dhisannaa gole wasiiro ah oo hawlo badan ku kala magacaaban, kadibna waxa loo niyoodaa in xukuumaddaasi ay wax ka qaban doonto dhammaan baahiyihii ay dawladi dadka u qaban jirtay oo dhan, iyada oo aan xukuumaddaasi loo samaynin bartilmaameedyo yool u noqda wax-qabadkeeda oo lagala xisaabtami karo. Xataa Wasiirka kadib marka la magacaabo, looma sheego inuu soo samaysto qorshe uu ku waajahayo hawsha uu u xilsaaran yahay. Dabadeedna waxa dhacda in wasiirka iyo baahidii jirtay ay is-ag fadhiistaan oo marka wasiirka xilka laga qaadana lagu bedelo mid kale oo isna baahidii agteeda iska ag kambadhuudhsada, taasina dhibaatadii dadka haysatay saxar kuma awddo ee waxay dib ugu soo noqotaa mujtamaca Somaliland oo dhan.

Haddaba dhibaatooyinka dadka haystaa inkastoo farabadan yihiin, haddana waa loo sii kala nugulyahay oo waxa jira meelo aan laga dhaqaaqi karayn oo halbowle ah sida Waxbarashada iyo Caafimaadka oo ah, haddii wax la qabanayo, labada hawlood ee ugu mudan uguna muhiimsan, balse had iyo jeer ay xukuumad kastaa iska dhayalsato oo aanay siinin tixgelintii ay u qalmayeen, kuwaas oo ay kalamid dhigto ama kaba hoosaysiiso wasaaradaha qalfoofka ah ee magacaabidoodu ku timid in la iskaga gudbo hadba af-miinshaarada siyaasadda ka ganacsada ee iyaga mustaqbalka carruurta ay kala weyn tahay kursi hebel loo geeyo.
Maanta may ahayn in sagaalkii ardayba buug keliya laga dhaxaysiiyo, boqol ardayna fasal keliya lagu xareeyo, sannad-walbana ay tobanaan kun oo carruur ahi ku waxbarasho beelaan fursad ay u waayeen dugsi meeli ka banaan tahay ama ay awoodi kari waayeen bixinta lacagta fiiga ah.

Dhinaca Caafimaadka, maanta Somaliland waxay tahay dalka dhan ee aan lahayn xarun lagu baadho dadka oo leh qalab uu qofka xanuunsanayaa ku ogaan karo nooca cudurka haya (diagnostic test center) haddii ay tahay mid gaar loo leeyahay iyo haddii ay tahay mid guudba.
Somaliland waa dalka dhan ee Cusbtiaaladeeda carruurta ku dhalata ay taagow ogsajiin la’aan u dhintaan. Waxa kale oo ay Somaliland tahay dalka la sharicyaystay in dadka laga iibiyo dawooyin faalso ah oo dibadaha laga soo waarido, waana dalka dhan ee maanta haddii uu Madaxweynihiisu u baahdo qalliin yar oo sahlan oo degdeg ah, dibadda loogu dhoofinayo.
Haddaba dalka ay heerkiisii waxbarasho iyo caafimaad ay meeqaankaas leeyihiin, muxuu ku hawaysan karaa inuu yeesho 30 wasaaradood iyo konton wasiir oo badankooda carruuri dalka ka joogin oo wixii caafimaadka bulshada iyo waxbarashada dhalaanka loo asteyn lahaa u isticmaala Land-Cruizer la gato, shidaal, guri la qalabeeyo, telefoon dibadeed iyo tigidho lagu gaadho xaasas qurbaha jooga?!

Dawladda tayada lehi waa ta ay u tilmaaman tahay baahida dhabta ah ee dadkeeda haysata iyo tubta ay u marayso sidii wax looga qaban lahaa.

Top


Wejiyada Cusub Ee Dagaalka Ka Qarxay Muqdisho
Iyo Loolanka Awoodeed Ee Ka Dhex Aloosmay
Hogaamiye-Kooxeedyada Iyo Maxkamadaha Islaamiga Ah

Muqdisho, February 22, 2006 (Haatuf) –Dagaalka ka qarxay magaalada Muqdisho sabtidii todobaadkan ayaa yeeshay wejiyo cusub isbar-bar socda, kuwaas oo isugu jira loolan awoodeed iyo hirdan siyaasadeed oo dhinacyo badan leh.

Dagaalkan oo dhexmaraya midawga maxkamadaha Islaamiga ah ee ka dhisan Muqdisho iyo isbahaysi cusub oo la baxay “Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada” oo uu horboodayo ninka la yidhaahdo Maxamed Qanyare Afrax oo ah wasiirka amniga Qaranka ee dawladda Federaalka Somalia loogu soo dhisay Imbagathi ayey warar xog-ogaal ah oo aanu ka helnay Muqdisho sheegeen inuu leeyahay midabo oo kala duwan.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen in dagaalkan cusub ee ka bilaabmay Muqdisho uu dhabar jab ku noqonayo shirkii la damacsanaa in 26-ka bishan lagu qabto magaalada Baydhabo ee koonfurta galbeed ee Somalia.

Dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ee Somalia ayaa sheegay inuu dagaalkani salka ku hayo loolan awoodeed oo u dhaxeeya qabaa’ilka beesha Hawiye, taasi oo salka ku haysa qorshe uu C/laahi Yuusuf ku doonayo inuu beesha Abgaal ee uu ka soo jeedo Ra’iisal wasaarihiisa Cali Maxamed Geedi ugu hanjabo haddii ay dawladiisa taageeri waayaan uu bedelkooda soo gashan doono beesha Cayr ee uu ka soo jeedo hogaamiyihii dawladdii Carta Somalia loogu soo dhisay Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyada ay taasina beesha Abgaal kaga jawaabtay inay C/laahi Yuusuf tusto awooda ay ku leedahay magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba dalka Somalia (Ex- Italian Somalia).

Garabka la baxay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada waxa horkacaya Maxamed Qanyare Afraax oo ka soo jeeda beesha Murursade, waxaana isbahaysigiisa kula jira rag badan oo ka soo jeeda beesha Abgaal, waxaana raggaa ka mid ah Muuse Suudi Yalaxaw, Bootaan Ciise Caali, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish), Bashiir Raage Sheereer, C/Rashiid Shire Il-Qayte, Cabdi Shukri Cali Xirsi iyo Cabdi Nuur Siyaad (Cabdi Waal) oo isagu ka soo jeeda beesha Murursade.

Garabkan waxa ka soo horjeeda isbahaysi lagu magacaabo Midawga Maxkamadaha Islaamiga ah, kuwaasi oo uu Gudoomiye u yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka mid ah rag hore uga tirsanaan jiray ururkii Al-Itixaad Al-Islaamiya oo uu ka mid yahay Sheekh Xasan Daahir Aways.

Dagaalkani waxa uu qarxay ka dib markii lagu dhawaaqay isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo uu Gudoomiye u yahay Maxamed Qanyare Afraax, isla markaana ay soo saareen warsaxaafadeed ay ku sheegeen inay u midoobeen la dagaalanka argagixisada iyo ku soo daabalida Somalia sharciga iyo kala dambaynta, iyaga oo qorshahooda sii faah-faahinayana waxa ay yidhaahdeen “Waxaa sannadahan dambe soo batay dilal qorshaysan aadna u fool xun oo lagula kacayo cidii loo aqoonsado qunyar socod aan waafaqsanayn fikradaha kulul ee argagixi-sanimo, dilalkaas waxa geysta kooxaha madaxa iyo afka duubta, waana qorshe hor leh oo xilliyadii dagaalada sokeeye jireen aan la aqoon, cidii wax disha waa la aqoonsan jiray, waana la isku qabsan jiray oo la xalili jiray, balse inkasta oo ay is-qariyaan, haddana waa la ogyahay oo maalin maalmaha ka mid ah waxa la horkeeni doonaa sharciga. Shacbiga waxaanu ka codsanaynaa in meel looga soo wada jeesto, lagana foojignaado waxyeeladooda, isla markaana cidii aragta dad afka ama madaxa duubtay ay soo wargeliyaan isbahaysiga meesha ugu dhaw”.

Markii ay garabka Isbahaysiga la dagaalanka argagixisadu soo saareen warsaxaafadeedkan ayaa waxa jawaab kulul ka bixiyey Gudoomiyaha Midawga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, waxaanu yidhi. “Nasiib darro hor leh ayey ku tahay ummadda Soomaaliyeed in raggii horseedka ka ahaa dagaaladii ka dhacay dalka ay maanta ku dhawaaqaan isbahaysi lagula dagaalamayo Diinta Islaamka, kaasi oo ay ka dambeeyaan cadawga Ilaahay iyo kan ummadda Soomaaliyeed. Isbahaysigan raga ku dhawaaqay ummadda Soomaaliyeed way ogtahay inay yihiin kuwo aan wadan, mabda’ diineed iyo mid Islaanimo lahayn, balse diintoodu u Dollar u bedelay”.

Hadaladan waxay labada dhinac is-dhaafsadeen maalintii sabtidii, iyada oo ay dagaaladuna qarxeen isla maalintaasi, ka dib markii ay maxkamadaha Islaamiga ahi weerareen saldhigyada maleeshiyooyinka taageera gudoomiyaha garabka isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada Maxamed Qanyare Afrax, dagaalkaasi oo ka bilaabmay agagaarka wershadii hore ee kabista ee xaafada Hodan.

Dagaalkan oo socday ilaa shalay waxa ku dhintay dad aanay tiradoodu ka yarayn 30 qof, iyada oo la sheegay inay boqolaal kalena ku dhaawacmeen, waxa la iska weydiinayaa su’aalo badan oo la xidhiidha waxa sababay dagaalkan, waxaana laga bixiyey aragti kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin in ay hogaamiyayaasha hubaysan ee magaalada Muqdisho ay ku doonayaan inay tusaan C/laahi Yuusuf inay gacanta ku hayaan magaalada Muqdisho, isla markaana ka takhaluseen awoodii ugu weynayd ee kula tartamaysay, iyaga oo garab arrintaa uga doonaya dawladda Maraykanka. Halka ay kooxaha maxkamadaha Islaamiga ahina doonayaan inay muquuniyaan hogaamiyeyaasha hubaysan ee Muqdisho, isla markaana ay iyagu noqdaan cida lagala hadlo arrimaha Muqdisho, sidaas darteedna ay dagaalka sababtay hirdan siyaasadeed oo labada dhinac ka dhaxeeyaa, taas oo markhaati looga dhigayo wejiga muuqda ee dagaalka labada dhinac.

Waxa kale oo jira warar sheegaya in ay arrintu sidaasi ka duwan tahay oo uu dagaalkani salka ku hayo loolan awoodeed oo u dhaxeeya labada beelood ee Habar Gidir iyo Abgaal, waxaanay wararkaasi leeyihiin dagaalkani waxa sababay ka dib markii uu C/laahi Yuusuf ugu hanjabay Ra’iisal wasaare Geedi iyo beeshiisa Abgaal-ba in haddii ay taageeri waayaan shirka baarlamaanka Imbagathi 26-ka bishan ku yeelanayo Baydhabo, u markaasi Ra’iisal wasaare ka dhigi doono beesha Habar Gidir, isla markaana uu mar horeba arrintaasi C/laahi Yuusuf ku dhaqaaqay oo uu la xidhiidhay guddi midaysan oo ay leedahay beesha Cayr ee Habar Gidir, iyada oo ay beesha Abgaal ee Ra’iisal wasaare Geedina kaga jawaabtay aas-aaska isbahaysigan cusub, oo ay la galeen beesha Murursade, iyada oo ay labadan beelood isbahaysigoodu ku xidhan yahay dano kala duwan, iyada oo beesha Abgaal doonayso inay muujiso awoodeed, isla markaana meesha ka saarto maxkamadaha Islaamiga ah oo ay u tirinayaan wadaadka ka soo jeeda beesha Habar Gidir ee la yidhaahdo Xasan Daahir Aways, inuu awooda ugu badan ku leeyahay, halka ay beesha Murursadena doonayso inay ka aargoosato dilkii loo geystay nin aqoonyahan ah oo ka shaqayn jiray arrimaha nabadda, isla markaana la sheegay inay kooxaha Islaamka mayalka adagi ka dambeeyeen dilkiisa, ninkaas oo magaciisa la odhan jiray C/Qaadir Yaxye, kaasi oo lagu dilay gurigiisa, kana soo jeeday beesha Murursade.

Waxaanay dadka fikradan qabaa saldhig uga dhigayaan in aanu gebi ahaanba isbahaysigan ku jirin hogaamiye ka soo jeeda beesha Habar Gidir, ama Cayr, sidaas darteedna ay isbahaysigani u ka dhaxeeyo beelaha Abgaal iyo Murursade, kuwaas oo mid aragti leeyahay, isla markaana dagaalkani uu salka ku hayo loolan awoodeed oo u dhaxeeya beelaha Hawiye, xagga dambena uu ka joogo C/laahi Yuusuf.

Waxa kale oo jirta aragti saddexaad oo iyaduna qabta in dagaalkani yahay mid u dhaxeeya kooxaha diiniga iyo hogaamiyayaasha hubaysan ee Muqdisho, oo uu Maraykanku dabada ka wado, si uu uga takhaluso maxkamadaha islaamiga ah ee Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, waxa la sheegay inay dagaaladani albaabada u laabeen garoonkii diyaaradaha ee Dayniile, sababtayna inay diyaaradihii halkaasi isticmaali jireen hadda u wareegaan dhinaca garoonka No:50 oo uu maamulo C/Raxmaan Indhacade, oo ah hogaamiye kooxeed ay halkaasi geeyeen maxkamadaha Islaamiga ahi.

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in dagaalkani uu sidoo kale saamayn ku yeelan doono shirka la filayo inuu baarlamaanka Imbagathi ku yeesho Baydhabo, lagana baqanayo inay maxkamadaha Islaamiga ahi dagaal ku qaadaan magaalada Baydhabo, iyaga oo adeegsanaya C/Raxmaan Indhacade.

Waxa kale oo la sheegay inuu dagaalkani soo jiitay mar horeba Maraykanka, iyada oo diyaarado Maraykanku leeyahay ay maalmihii la soo dhaafay dulmarayeen Magaalada Muqdisho.

Top


Dagaal Maalintii Afraad Ka Socda Muqdisho
Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Muqdisho, February 22, 2006 (Haatuf) – Dagaallada magaalada Muqdisho ka socda ee u dhaxeeya Isbaheysiga cusub ee La-dirirka argagixisada iyo Maxkamadaha islaamiga Muqdisho ayaa galay maalintii Afraad, iyadoo dagaalkaasi badankiisu ka socdo degaanka Dayniile ee xarunta u ah Maxamed Qanyare.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Canjeex Maxkamahada islaamiga ayaa sheeganaya inay horumar ka gaadheen dagaalka, laakiin dhibaatada dagaalku waxay ugu badan tahay dadka rayidka ah, iyadoo shalay ay ahayd tii ugu ba’neyd ee madaafiicda ku soo dhaceysa gudaha magaaladu ay waxyeelo u geysteen. Madaafiic habow ah oo ka yimid goobaha dagaalka una badan Hoobiye ayaa ku habsaday degaanada Geedjaceyl, Baar ubax, Al-baraka iyo meelo kale waxaana guri ku yaala xaafadda Geedjaceyl ku geeriyooday laba ruux, shan kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay markii uu madfac ku habsaday guri qoys Soomaaliyeed ku nool yihiin.

Guri kale oo ku yaala Al-baraka ayaa la sheegay inuu qof ku dhintay dhowr kalena ku dhaawacmeen markii madfac habow ahi ku habsaday, waxayna madaafiicdaasi noqotay kuwa aragagax weyn geliyay dadka Muqdisho.

Khasaaraha madaafiicdaasi habowga ah u geysteen Muqdisho ayaa gaadhaya in dhow 10 dhimasho ah iyo 33 ruux oo dhaawac ah, iyadoo ay dadka la socda dagaaladani sheegayaan inay madaafiicdu ka soo dhaceyso dhinaca Isbaheysiga Qanyare oo hubkoodu ku soo jeedo magaalada.

hoobiye ku soo dhacay xafada geed jacayl ee degmada wardhigley ayaa waxa uu khasaare soo gadhsiiyay dad badan oo rayid u badan kaas oo 3 ruux dhaawac ka soo gaadhay halka uu wiil ku dhintay waxa kaloo ka mid ah aheyd haweeneey Da' ah oo hoobiyuhu uu ku dhacay, iyadoo jiiftay xiligaasi meel ku dhow halka wadaadada dhintey ay ku akhriyayeen kitaabka.
Hooyada Guriga oo dhaawac uu ka soo gaadhay madfacaasi ayaa waxa ay sheegtay in ayna garaneyn sida ay wax u dhaceen, iyadoo ku qeylineysay " Alle Wiilkeygii ma nool yahay, dadkeygii ma nool yahay", iyadoo wajigeeda uu qooyay dhiig, firidh ka soo gaadhay hoobiyihii ku soo dhacay gurigeeda.

Rasaasta Habowga ah iyo madaafiicda hoobiyaha ayaa shalay iyo maanta ka dul dhaceysa dadka magaalada Muqdisho , iyadoo dadku ay iskaga qaxayaan goobta dagaalku uu ka dhacayo.

Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa xaqiijiyay inay jiraan waanwaan ay wadaan culimo dhinacoodana ay diyaar u yihiin xabbad joojin haddii laga joojinayo weerarada lagu soo qaadayo, wuxuuna sii raaciyay in markii saddexaad ay tahay ee xabbad joojin loo keeno kadibna ay weerar ku soo qaadeen qolada kale.Qoysas aad u fara badan oo ka barakacay degmada Deyniile ayaa la sheegay in ay gaadheen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose si ay uga nabad galaaan finiinka rasaasta iyo waliba sawaxanka madaafiicda ay isdhaafsanayaan labada kooxood“Anagu difaac ayaanu nahay, waa iyaga kuwa Hoobiyeyaasha u qeybinaya magaalada oo dadka ku dhibaateynaya, Anagu hal madafac maanu ridin, dagaaladan laga leeyahay oo loo soo kireystay inay umadda muslimka ah lagu baabi’iyo ayay wadaan raggani” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadaha islaamiga oo sheegay inuuna dagaalku joogin meeshii uu ka bilowday.

“Ujeedadeenu maaha dhul qabsi iyo degaan ee waa inaanu sharka jebino, dad diinta Alle diidan oo Gaalo soo dirsatay ayaan ka horjeednaa, waxaan ugu baaqeynaa dadka muslimiinka ah ee Soomaaliyeed in dagaal lagu qaado oo laga hortago Shar-wadeyaasha inta ay ka laabanayaan Munkarkii ay iclaamiyeen, beelahoodana waa inay beri ka noqdaan” ayuu yidhi Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale dagaalada ayaa weli wax isbedel ah ku dhicin, iyadoo dhinaca maxkamadaha uu garab siinayo Guddoomiyaha Sh/hoose Sheekh Yuusuf Indha-cadde, halka Qanyare ay gacan siinayaan Muuse Suudi iyo Bashiir Raage.

Waxa isa soo taraya baaqyada nabadeed ee loo jeedinayo labada dhinac ee ku dagaalamaya Muqdisho inay joojiyaan dagaalka, laakiin waxa aad u yar rajada laga qabo inay waanwaanta la wado xal keeno, waxaana shir xasaasi ah goor dhoweyd uga bilowday Hotelka Nabadda ee magaalada Muqdisho waxgarad & siyaasiyiin ka soo jeeda Beelaha H/Gidir oo ka hadlaya dagaalka socda.

Xubnaha labada Gole ee ku hadhay Muqdisho ayaa shir kale oo ay yeesheen ka soo saaray baaq nabadeed iyadoo dhinacyada dagaalamaya ugu yeedhay inay joojiyan xabbada, sidoo kale waxa baaq nabadeed ka soo yeedhay guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan Baydhaba.

Dhinaca kale, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida, gaar ahaan culimada xagjirka loogu yeedho kana mid ah shakhsiyaad Soomaali ah oo Mareykanku ku soo daray liiska dadka argagixisada ah ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho sheekh xasan oo in mudo ah ku maqnaa dalka sucuuudiga kana soo qayb qaatay gudashada Xajka sanadkan ayaa Muqdisho doraad soo gaadhay isla markana xaga hore ka galay hormoodnimada dagaalka ka socda Muqdisho maalintii afraad kaas oo ka waramay sida uu isagu u arko arinkan cusub.Sheekhu wuxuu sheegay in dagaalka ay bilaabeen hoggaamiyeyaasha ku dhawaaqay isbaheysiga islaam-la dirirka ah uu yahay mid ay ku caddeysteen inay diinta la dagaalamayaan oo aanay jirin qaab loo joojin karo dagaalka.
“Xaq iyo baadil haddii dagaalku u dhaxeeyo lama joojin karo, ilaa inta uu Alle kala saarayo labada dhinac, qabiil ahaan ayaa markii hore lagu dhowri jiray raggan mujrimiinta ah, haddii ay hadda dagaalkii iclaamiyeen soona qaadeen oo diintii la dagaalamayaan, waxaan beelahooda ugu yeedheynaa inay ka beri noqdaan ama towbad ka keenaan oo ay ka laabtan” ayuu yidhi Sheekh Xasan Daahir Aweys.

“Dadka waxaan leeyahay Islaamka la safta ama ka keena inay Illaah u towbad keenaan oo Alle u soo noqdaan ama ka beri noqda” ayuu si cad u yidhi Sheekh Xasan Daahir oo sheegay in dagaal noocan oo kale ahi xaq iyo baadilna loo dagaalamayo aanu joogsaneynin ilaa uu Alle kala saaro wuxuuna tusaale u soo qaatay Dagaalkii UXUD ee Rasuulka SCW iyo saxaabadiisii galeen.

Wuxuu Sheekh Xasan Daahir meesha ka saaray in xitaa waanwaan laga geli karo dagaalkan isagoo sheegay inuuna ahayn kuwii muslimiinta ka dhex dhacay ee la islaaxin karo ama dagaalada qabyaaladeed ee la dhex geli karo balse uu yahay dagaal diinta looga horjeedo oo lagu iclaamiyay muslimiinta.

Dhinaca kale, Maleeshiyo ku hubeysan Baabuurta dagaalka isla markaana ka yimid degmada Balcad ayaa xalay ilaa iyo shalay gelinkii dambe ku soo qulqulayay aaga hore ee dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha Islaamiga iyo Isbaheysiga la sheegay inuu la dagaalamayo Argagaxiisada.

Sarkaal lagu magacabo Jeebo isla markaana ka mid ah Saraakiisha Wasiirka ganacsiga ayaa soo galay dagaalka shalay gelinkii dambe kaas oo ka caawiyay Maleeshiyada Qanyare inay is difaacan.

Wado ka baxda garoonka Dayniile isla markaana tagta Degmada Balcad ayaa la sheegay inay u furan tahay Isbaheysiga la dagaalanka Argagaxiisada, halkaas ayaa la sheegay inay ku yimaadeen Maleeshiyada Muuse Suudi.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa Ciidamadiisa soo dhoobay Degmada Afgooye, isagoo ku amray inay dagaalamaan oo ka hortagaan Isbaheysiga Wasiirada hubeysanWasiirka howlaha guud iyo Guryeynta dowladda FS Cismaan Xasan Cali Caato ayaa ugu baaqay kooxaha ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay si shuruud la'aan ah ku joojiyaan dagaalka.
Cismaan Caato oo u waramayay Saxafada isagoo jooga magaalada Galkacyo ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka, kuna baaqay in xabadda si deg deg ah loo joojiyo, isagoo yidhi " Dagaalka waa mid lagu waxyeelaynayo maatada ku dhaqan gobolka Banadir, Faa'iidana keeni maayo ee waa in la joojiyo".

Cismaan Caato ayaa ugu baaqay ragga isku haya magaalada Muqdisho in wada hadalo ay ku dhameeystaan Warsaxaafadeed ay shalay soo saareen waxgarad isugu jiray odayaal, siyaasiyiin, ganacsato & culumaa’udiin ka soo jeeda beesha H/gidir oo shir ay uga wada-hadlayeen dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho u fadhiyey hotelka nabadda ayaa warsaxaafadeed ay geba-gebadii shirkooda soo saareen wuxuu u qornaa sidatan:-
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 21/02/06 waxa shir degdeg ah isugu yimid beelaha Shanta ah ee Habargidir, kadib markii ay u muuqatay baahida loo qabo adkaynta iyo xoojinta Midnimada Beesha, markii ay daraaseeyeen xaaladaha dagaal iyo is bahaysi ee ka soo cusboonaaday gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle, markii ay arkeen khasaaraha naf iyo maal leh ee dagaalladu u geysteen dadka maatida ah ee aan waxba galabsan, markii ay xaqiiqsadeen dib u dhaca ay ku keeni karaan dagaalladaasi dadaalka qaran ee dib u heshiisiineed ee lagu wado inuu Baydhabo ka qabsoomo iyo gurmadyada abaaraha ee gobbollada dalka ee masiibadu ku habsatay, dood iyo falanqayn dheer ka dib waxay beeluhu go’aamiyeen sidatan:

1. In la ilaaliyo lana xoojiyo Midnimada Beesha, lana soo celiyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada,dhaqaalaha,iyo arrimaha bulshada.

2. In la joojiyo dagaallada ku billawday habab is bahaysi haddana laga yaabo inuu u xuub siibto dagaal qabiil.

3. In si wada jir ah looga soo hor jeesto koox,urur iyo is bahaysi kasta ee abuuri kara ama sababi kara xaalad colaadeed, hore ha u jiro ama hadda ha abuurmee.

4. Waxay beeluhu caddaynayaan inaanay ogayn wax arga gixiso ah ee dalka ka jira ciddii sheegtana iyada laga rabo caddaynteeda, isla markaasna waxay caalamka ka codsanayaan in arrintaa si taxaddar leh ee miisaaman u qiimeeyaan si aanay u dhicin in qaab qabiil la isugu adeegsado.

5. In si buuxda loo taageero shirka baarlamaanka ee ka dhacaya Baydhabo 26/02/06 lagana ilaaliyo wax kastoo caqabad ku noqon kara kaasoo aan u aragno maslaxadda ummadda.aan khilaafka u dhaxeeyo, isla markaana maatada laga daayo dagaalka iyo xabadda joogtada ah.

Dagaaladii ka dhacay shalay magaalada Muqdisho ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhinyeen in ka badan 25 ruux, halka tiro intaasi in ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo madaafiic badan ay ku habsadeen dad rayid ah.

Top


Maayarka Ayaa Joojiyay Xil-Wareejintii, Waxaanu Ii
Sheegay In Madaxweynuhu Amray In La Hakiyo”
Maxamed Daa’uud Axdar, Xoghayaha La Bedelay Ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa

Hargeysa, February 22, 2006 (Haatuf) – Xoghayaha dawladda hoose ee Hargeysa Maxamed Daa’uud Axdar ayaa dhinac iskaga leexiyey eedaymo u wasiirka Arrimaha Guduhu u soo jeediyey markii uu xilka ka qaaday xoghayaha fulinta dawladda hoose, kuwaas oo uu ku sheegay inay cabashooyin uga yimaadeen dadweynaha, xaaraana ay tahay in masuul ku sifoobay arrimahan oo kale inuu xil qaran hayo, isla markaana waxa uu xoghayuhu ka waramay sababta keentay inay dib u dhacdo xil wareejintii uu xilka ku wareejin lahaa xoghayaha cusub ee uu soo magacaabay wasiirka arrimaha guduhu, waxaanu eedaymahaas, Maxamed ku tilmaamay kuwo aanay waxba ka jirin, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu u waramayey weriyayaal ka tirsan Wargeyska Haatuf shalay oo ay wax ka weydiiyeen sababta keentay xil ka qaadistiisa iyo waxa hakiyey xil wareejintii uu ku wareejin lahaa xoghayaha cusub ee dawladda hoose, waxa uu sheegay in maayarka caasimadu xil ka wareejintii joojiyey, ka dib markii uu amar ka helay madaxweynaha, sidaas darteedna maanta (shalay) ay baaqatay xilka wareejintii lagu waday inay shalay dhacdo.

“Arrinta xil ka qaadistayda ma diidani oo waa wax caadi ah oo sharciya, laakiin waxaan diiday in xil ka qaadistayda lagu sababeeyo waxaanan mutaysan oo waliba meel ka dhac ah, arrintaasina waxaan u arkaa meel ka dhac weyn oo magacayga iyo sumcadayda wax loogu dhimayey. Waxaanan leeyahay oo aan shacbiga iyo xukuumada u sheegayaa in aanay waxba ka jirin eedahaasi uu wasiirka arrimaha guduhu ku sababeeyey xil ka qaadistayda, waxaana iiga marag ah in aanay eedaymahaasi waxba ka jirin xildhibaanada golaha degaanka ee aanu wada shaqayno oo aan leeyahay hala weydiiyo bal hab dhaqankayga shaqo madaxda aanu wada shaqaynaynay.

Waxaan arrimahaasi jawaabtooda ku soo gebgabaynayaa aniga ummaddu way I taqaanaa, waxaan ahay, isla markaana way ogyihiin dadku intii I taqaanay in aanay iga suura gelin waxaas oo kale, inta aan I aqoonina waxaan u sheegayaa in aanay waxba ka jirin eedaymahaasi,” ayuu yidhi xoghayaha fulinta dawladda hoose, Maxamed Daa’uud Axdar.

Mar la weydiiyey sababta ay dib ugu dhacday xil ka wareejintii oo la filayey inuu shalay ku wareejiyo xoghayaha cusub ee dawladda hoose Maxamed Aw Aadan Wayrax, waxa uu yidhi. “Maanta ayey ahayd inay dhacdo xil wareejintu, laakiin maayarka ayaa joojiyey, sababtana maayarku wuxuu aniga ii sheegay in madaxweynuhu ku amray in la hakiyo xil wareejintaasi”.

Top


Shariif Xasan Oo Booqday Goobaha Lagu
Qabanayo Shirka Baarlamaanka

Muqdisho, February 22, 2006 (Haatuf) – Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno ka socda oo booqday Xerada Daynuunaay oo lagu xareeyay maleeshiyooyinka RRA-da, waxaana xeraadaasi la geeyay maleeshiyooyinkii taabacsanaa Xildhibaan Xaabsde ee ku sugnaa magaalada Baydhaba, iyadoo horena ay ugu jireen maleeshiyooyinkii lagu soo tababaray Waajid ee wasiirada Sheekh Aadan Madoobe iyo Shaatigaduud.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Shariifka oo uu wehliyay Axmed Taaw wasiir ku xigeenka Macdanta ayaa maleeshiyooyinka RRA-da ee ku xareysan xeradaasi hadal u jeediyay, waxayna kala hadleen waxyaabaha laga doonayo maleeshiyadaasi oo ay ugu horeyso inay isku duubnaadaan xeradaasina ku jiraan oo aanay hubkooda la soo gelin magaalada gudaheeda.

Maleeshiyooyinka la geeyay xerada Daynuunaay ayaa gaadhaya 200 iyo u dhowaad 20 gaadhi oo kuwa dagaalka ah, laakiin waxa weli magaalada ku sugan gawaadhida dagaalka ee beelaha oo si caadi ah isaga gooshaya magaalada, iyadoo aan weli lagu guuleysan in laga saaro dhammaan maleeshiyooyinka iyo gaadiidka dagaalka.

Dhinaca kale waxa Baydhaba lagaga dhawaaqay dhismaha Maxkamad Kumeelgaadh ah oo ka mid ahayd heshiiskii ay Garabyada RRA-da ku gaadheen Waajid, waxaana madax ka ah Col. Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Top


Ardayda Wax Ka Barta Dugsiga Madiino Warsame
Ee Muqdisho Oo Deeq Gudoonsiiyay Gudiga
Gurmadka Abaaraha

Muqdisho, February 22, 2006 (Haatuf) – Waxa shalay lagu qabtay xarunta Dugsiga H/dhexe iyo Sare ee Dugsiga Madiino Warsame ee magaalada Muqdisho Munaasabad Gudiga gurmadka abaaraha Raashin qiimihiisu gaadhaayay 10-kun oo doolar oo ay soo dhiibeen ururka scuola per la vita ee dalka Talyaaniga oo gacan saar la leh dugsiga Madiino warsame.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho, Maamulaha dugsiga Madiino Warsame Maxamuud Maxamed C/laahi ayaa ugu horeyntii u mahad celiyay ururka scuola per la vita oo uu sheegay inay u gudbiyeen abaaraha baaxada leh ee dalka Soomaaliya ka jira sidaasna loogu soo dhiibay deeqdan baaxada leh ee ay maanta ku wareejiyeen Gudiga gurmadka abaaraha, wuxuuna sidoo kale maamulaha u mahadceliyay Gudiga gurmadka abaaraha oo uu sheegay inay qabteen howl baaxad leh oo ay bulshadu aad u soo dhaweysay.

Gudoomiyaha Gudiga gurmadka abaaraha Soomaaliya Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in iskuulkii ugu badnaa ee ay ka helaan deeqdii ugu badneyd in uu yahay Dugsiga Madiino Warsame, wuxuuna gudoomiyuhu sidoo kale cadeeyay inuu u mahadcelinayo ururka scuola per la vita.

Maxamuud C/kariim Gabeyre Gudoomiyaha Ganacsatada G/Banaadir oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “waxaan si weyn aan maanta ugu mahadcelinaa ururka scuola per la vita oo deeqdan balaadhan noo soo marsiiyay saxiibadood Madiino Warsame oo u bandhigay abaarta ka jirta dalkeena” ayuu yidhi Gabeyre oo sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in lagu daydo Ardayda Dugsiga Madiino Warsame.

Sidoo kale waxa uu sheegay Mr. Gabeyre in gebi ahaanba maamulka dugsiga Madiino warsame ay mudan yihiin in lagu amaano gacanta balaadhan ee ay u fidiyeen walahood abaarta ay u geysatay dhibaatada ba’an, wuxuuna ugu dambeyntii ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho inay dagaalada joojiyaan oo ay u tudhaan shacabka tabaalaysan ee aan u adkeysan karin dagaal dambe.

Deeqdaan ayaa isugu jirtay sidan:
200- loor oo Bariis ah
Qamadi 200-loor
Saliid 600-Caag
Timir 170 kiish
 

Top


Ronaldo: Taageerayaasha Kooxda Aan U Ciyaaro Ee Real Madrid Waligood Imay Ogolayn.

Weerar yahanka reer brasiil Ronaldo ayaa heshiis la galay kooxda Real Madrid ilaa iyo 2008.
Wakhtigii uu ka yimid kooxda Inter Milan, laakiin Ronaldo oo ay imika da’diisu tahay 29-jir “taageerayaasha kooxda aan u ciyaaro ee Real Madrid waligood I may ogolayn, aniguna waxaana tix galin doonaa mustaqbalkayga dambe” wuxuu intaa ku daray Ronaldo,
“Badanaa waxaan sheegi jiray in aanan doonayn in aan joogo meel aanan jeclayn”
Hadaba ronaldo oo sanadadii hore aad looga xiisaynjiray garoomada yurub ayaa waxa soo if baxayay baryahan dambe in uu isbadal wayni ku yimid ciyaartiisii intii uu u yimid kooxdan Real Madrid.

Ciyaar yahanka oo saddex jeer ku guulaystay xidig nimada yurub ayaa walaac badan laga muujiyay mustaqbalkiisa ciyaareed.sidaa darteed ayaa waxa uu roolaando yidhi”waxaan dib u eegi doonaa xaaladayda marka uu dhamaado koobka adunku(world cup 2006).

Si kastaba ha ahaatee dhaawacyadiisii is daba jooga aha iyo walaaca ku saabsan culayskiisa oo sii kordhaya ayaa la odhan karaa waxa ay sabab u tahay necbaanshaha kaga yimid xaga taageerayaasha kooxda Real Madrid, iyadoo ciyaartii ay wiigii dhowaa la yeelatay kooxda Alves ay ku qayliyeen markii Ronaldo lagu badalay ciyaartooyga kooxda ku dhashay ee Raul.
Hadaba waxa iyana jirta in ay aad ugu qaylyaan taageerayaasha Real Madrid muarka uu khalad sameeyo taas oo uu u fahmo in lagu jeesjeesayo, Inta badan ciyaartooyda xagooda khaladbaa ka yimaada laakiin waxaanu u baahanahay taageerayaal na taageera wakhtiga oo dhan, ayuu yidhi Ronaldo.

Waxa kale oo uu yidhi Ronaldo magaranayo sida ay taageerayaasho uga jawaabi doonaan waxa aan idhi, in ay noqonayaan daacad magaranayo.

Dhanka kale laacibkan caanka ah ee reer baraasiil waxa la soo xidhiidhay sanad kii hore labada kooxood ee ingiriiska ah ee kala ah Chelsea iyo Arsenal.


2- Ronaldo Oo Ka Sii Socda Kooxda Real Madrid Iyo Henry Oo Ku Soo Socda

Laacibka way nee ronaldo ayuu weerar kaga yidim xaga taageerayaasha kooxda Real Madrid, taas oo daba socotay markii badal lagu sameeyay ciyaartooygan isla markaana ay ku oriyeen taageerayaasha Real Madrid.tana waxa ay sababtay cabsida uu ka qabo in lagu badali doono ciyaar yahanka kooxda Arsenal u ciyaara ee Thierry Henry.

Hadab ciyaar yahankan oo ah ninkii ku guulaystay xaga gool dhalinta markii la ciyaarayay koobkii aduunka ee u dambeeyay, ayaa waxa uu door bidayaa in uu u wareego kooxda ingiriiska ee Chelsea.

Hadaaba argagaxa Ronaldo ee qiirada lehi waxa uu sidoo kale ku qasbi doonaa Real in ay hesho weerar yahan cusub, henry ayaa waxa iyaduna horay u doontay kooxda Barcelona laakin waxa uu lagalay heshiis cusub kooxdiisa uu u ciyaaro Arsenal xagaagii hore, Ronaldo ayaa amaan u soo jeediyay henry, waxanu yidhi” waa ciyaartoy wayn oo wanaagsan, marka uu kubada la ordayo ama uu la cararayana cid la barbar dhigi karaana ma jirto,hadaba ronaldo heshiiskiisii uu la galay kooxda real Madrid markii uu ka yimid kooxda inter Milan ee talyaaniga ah, ayaa waxa uu ku egyahay 2008.

Laakiin waxa uu sheegay shalay in uu ka fiirsan doono sii joogidiisa kooxda real Madrid,
Isaga oo bidhaaminaya sababaha uu u doonayo ka tagida Real Madrid ayaa waxa uu yidhi marka aan marayo dariiqyada magaalada Madrid waxa ay dadku ii eegaan si dabacsan, taageerayaasha Real-na marka aan gool dhalin waayo way igu qayliyaan, waligaymaan jeclayn in aan joogin meel aan layga donayn, waxaan si dhakhsa ah u tagi doonaa England.
Hanry laf ahaantiisa ayaa damcay dhawr wiig ka hor in uu ka tago kooxdiisa Arsenal laakiin culays badan ka dib waxa uu la saxeexday heshiis cusub (Arsenal).

Dhinaca kale tababaraha Arsenal mr Arsene wenger ayaa waxa uu yidhi isaga oo ka hadlaya fursadaha uu haysto( waxan rumaysanahay in uu henry joogay kooxdan mudo badan taas oo aan u malaynayo in uu ka dhaxlay waayo aragnimo badan, ciyaartaan la leenahay Real Madrid-na waxa uu keeni doonaa fursado badan.


3- Yaa Guusha Calafsan Doona Barcelona Iyo Chelsea?
Waxa habeen dambe ciyaar aad u xiisa badan ku kulmi doona garoonka kooxda Chelsea ee Stamford bridge labadan kooxood oo u kala yaya hogaanka horyaalada isbaanishka iyo ingiriiska,waxaana ka dhex muuqan doona garoonka ciyaar yahano caan ah waxayna uga kala qayb galidoonaan sida tan:
Weerar
Weerarka waxa uga ciyaari doona habeen dambe kooxda Barcelona Oto’o, Ronaldinho iyo messi. Halka ay kooxda Chelsea uga soo xaadiri doonaan safka hore ee ciyaarta habeen dambe ay wada yeelan doonaan labadan kooxood ee Barcelona iyo Chelsea
Ciyaar yahanada kala ah Robben, Cole iyo Drogba.
Isbarbar dhiga dhinaca difaaca ee labada kooxoo ayaa waxa ay tahay sida tan,
Difaaca
Barcelona waxa u safan doona dhinaca difaaca ciyaaryahanada kala ah marguez, puyol iyo sylvinho.
Dhinaca Chelsea-na waxa u soo safandoona dhinaca difaaca ciyaar yhanada kala ah terry, carvalho iyo Ferreira.
Khadka dhexe
Barcelona waxa uga ciyaare doona khadka dhexe ciyaar yahanada kala ah Deco, edmilson. Hadaba labadan ciyaar yahan ayaa ka mida ciyaar yahannada ugu wanaagsan ee uga ciyaara khadka dhexe kooxka Barcelona ayaa lagu raja wayn yahay in ay ka soo hooyaan guulo inta ay socoto ciyaartani.
Chelcea-na waxa uga ciyaare doona khadka dhexe ciyaar yahannada kala ah makalele, essien, labadan ciyaartoy ayaan ayaan iyaga laftooduna ka laalaadin labada ee khadka dhexe uga ciyaari doona kooxda Barcelona.
Calaa ayi kuli xaal ciyaartan oo ah mid aad u adag oo aan la saadaalin karin ayaa waxa ay ka dhacaysaa garonka kooxda Chelsea ee Stamford bridge habeen dambe, iyada oo tababaraha kooxda Barcelona mr Rijkaard uu hore ugu ee deeyay in ay in ay kooxda Chelsea ka dhigtay garoonkeeda mid raf ah si ay ula qabsan waydo kooda Barcelona, eedaa uu soo jeediyay tababaraha kooxda Barcelona ayaa waxa ka jawaabay tababaraha kooxda Chelsea mr Mourinho isaga uu ku tilmaamay eedaas mid aan waxba ka jirin.
Labadan kooxood oo ay labaduba hogaaminayaan horyaalladooda ayaa waxay ku ciyaarayaan foormulo(formula) isku mida taasi oo ah(4.3.3).
Sannadkii hore waxa ku guulaysatay kooxda Chelsea markii ay afar gool iyo laba gool ku dhamaatay ciyaartii ay ku ciyaarayeen garonka Chelsea, Barcelona ayaa iyaduna xageeda dadaal badan ugu jirta sidii ay sanadkan ugu guulaysan lahayd, laakiin lama sii saadaalin karo cida ay guushu raaci doonto.


4- Lionel Messi Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Guusha Kooxdiisa Barcelona
Samuel eto’o waxa uu ku guulaystay xidignimada afrika ee sanadkan(African player of the year)
Ka hor eto’o waxa isna ku guulaystay xidignimada aduunka (fifa world player of the year). Ronaldinho, sidoo kale Leo Messi ayaa waxa uu ku guulaystay xidignimada 21-tan jirada aduun (under 21 player).

Saddexdan ciyaar yahan ayaa weerarka uga ciyaari doona kooxda Barcelona, ciyaar yahankan reer argentine mr messi ayaan ka qaybgalin sannadkii hore ciyaartii ka dhacday garoonka Stamford bridge ee magaalada lando, ciyaar yahankan oo 19-jir ah ayaa waxa uu sameeyay 12-kii bilood ee ina dhaafay horumar aad u balaadhan, sanad ka horna waxa uu ka tirsanaa kooxda heerka labaad ee Barcelona,labadii ciyaarood ee ay wada yeesheen Chelsea iyo Barcelona aya waxa uu ka daawanayay television-ka , hadaba isaga oo nasiib u helay in uu safto ciyaartan habeen dambe ayaa waxa uu yidhi”waxaan doonayaa in aan noqdo ciyaar yahan si fiican u ciyaara”, labadii gooldaro ee soo gaadhay kooxda Barcelona ee ay ka kala badiyeen labada kooxood ee kala ah Atletico Madrid iyo Valencia,hadaba ciyaartii ay la yeesheen kooxda Real Betis ayay kooxda Barcelona diyaar garow xoog leh samaysay, taasi oo ay safteen ciyaar yahannada ronaldinho iyo Eto’o, sidaana waxa ku raacday guushii oo ay kaga adkaadeen shan gool iyo gool(5-1).

Ciyaartan Chelsea iyo Barcelona dhex mari doonta ayaa waxa ay noqon doonta mid aad u adag oo leh xiisaheeda, messi oo sharax ka bixinayaa waxa uu yidhi(waxa aan rajaynayaa in ay tahay ciyaar adag, ay adag tahayna in aad ku guulaysato labada ciyaaroodba, qofkastaana waxa uu jecelyahay in uu ku guulaysto).

Ciyaar yahankan da’da yar ee reer argentine ayaa diiday in uu ka hadlo wax ku baabsan tababaraha Chelsea mr jose mourinho, waxa kaliya oo uu ka hadlay qaab ciyaareedka kooxda Chelsea oo uu ku sheegay mid aan qurux badnayn laakiin waxa uu yidhi waa mid saamaynteeda leh.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Saldhigga Bileyska Boorama
Ma Nabadgelyaduu Ka Shaqeeyaa Mise Nabadgelyo Darada?

Anigoo ka mid ah muwaadiniinta reer Boorama, waxa waayadan shaki badani iga galay inay Saldhigga Bileyska Boorama iyo taliyaha xukumaaba ka shaqeeyaan xasiloonida, kala celinta dadweynaha wixii isku dhaca iyo arrimaha kale ee qofka dembi gala loo ciqaabo.

Waxaan sidaa u leeyahay waxa dhawaan goor habeennimo ah isoo weeraray koox rag iyo dumar ah oo sitay budhadh iyo middiyo, waxaana weerarkaasi la igu gaadhsiiyey dhaawacyo cusbitaalka la igaga soo daweeyey oo la arki karo, waxa kale oo khasaare loo geystay gurigaygii, alaabtaydii wixii waxa lagu cunayey iyo wixii lagu seexanayeyba. Waxaan tegay saldhigga Bileyska oo aan moodayey in weerarkaa la igu soo qaaday anoo gurigaga jooga uu tallaabo ka qaadi doono ciddii geysatay, balse nasiibdarro anigoo dhaawac ah iyo kuwii isoo weerarayba waa nala wada xidhay kaddibna waa nala soo wada daayey. Waxan moodayey in Bileysku xabsiga ku reebi doonaan dembiilayaasha waxanuse maanta wada joognaa suuqa Boorama anoo khasaarihii iyo dhaawiciiba qaba. Dhawr jeer baan u tegay taliyaha saldhigga Bileyska wuxuuna si cad u diiday in mar kale la soo xidho dembiilayaashii, diidmadaana waxan u arkay inuu doonayo inaan aargoosto oo aanu isku dhacno dadkii isoo weeraray khasaaruhuna sii bato.

Haddaba ma la odhan karaa taliska saldhigga Bileyska Boorama wuxuu ka shaqaynayaa xasilooni-darro iyo in shicibku is-dilo. Waxaan u arkaa in saldhiggaasi noqday meel ciddii lacag bixisa loo soo qabto dembiilayaasha, haddii kalase adiga dacwoonaya ee dhibta sheeganaya lagu xidho.

Haddaba waxaan soo jeedinayaa in maamulka saldhiggaasi loo yeesho fiiro inta dadweynaha aanay soo kala gaadhin dhibaato, ciddii sharci u kala hagaysayna la keeno.
Cabdi Cali Shariif, Boorama, Somaliland
 

Top


SOCDAALKII DHEERAA! (1988-1991)
Q: 2-aad – Qore: Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
"Baqoolkii U Horeeyey Iyo Berbera"

Guuleed intuu u dhaqaaqay dhinaca musqusha ayuu yidhi, "ma dagaal cusub baa, horeba dagaal wuu uga socday hawdka iyo xadkaba". Wax-yar kadib Guuleed wuxuu u baxay magaalada, intii uu dhexda sii socday ayuu kula kulmay saaxiibkii Liibaan oo ka yimi dhinaca magaalada. Liibaan wuxuu u sheegay in dagaal weyni ka dhacay Burco oo ciidamadii SNM-tu ay gacanta ku dhigeen dhammaanba magaaladii. Guuleed intuu qoslay ayuu ugu jawaabay, “waar! taasi waateenniiye sheeka kale keen, toban sannaddood ku dhowaad ayaynu maqlaynay SNM ayaa soo gashay.” Liibaan intuu qaadan kari waayay jawaabta saaxiibkii, ayuu yidhi, “waar! sidii hore maaha oo warkani waa xaqiiq oo waxa laga helay isgaadhsiinta ciidamada.” Guuleed oo weli ka dhega adaygaya warka Liibaan u sheegay ayuu hadana ku celiyey, “Liibaanoow imisa jeer ayaad maqashay SNM ayaa soo gashay, SNM ayaa soo gelaysa, iyo wax la-mida hadday soo galeenna sidoodii ayay ka baxeen taasina dadka ayay u xuntahay oo iminka ayaa la qab-qaban doonaa dad aan wax-ba galabsan.”

Liibaan isagoo aan jeclaysan jawaabaha Guuleed ka soo yeedhayey, kuna rajo-weynaa in warkani dhabyahay, oo dagaalka Burco ka bilaabmay uu ka duwanyahay dagaaladii hore ayuu ku yidhi Guuleed, “Iminkaad ku socotaa magaalada ee yaan adiga lagu qaban.”
Markii uu magaalada gaadhey Guuleed, wuxuu la kulmay xaalad cusub iyo dareen kacsan. Magaalada oo aad u kululayd, ayaa waxa ku sii siyaadey kulayl dheeraada, baabuurta ciidamada ayaa ku socdey xawli dheer, askartii tal-tallaabsan-jirtey magaalada dhexdeeda ayaa u muuqdey kuwo naxsan oo indhaha taagtaagaya.

Waxyar kadib Guuleed wuxuu fadhiistay makhaayad ay ku kulmi jireen saaxiibadii, halkaas oo ay fadhiyi jireen saacado badan, oo shaah badan lagu cabbi jirey iyo cabitaanka kaleba. Nasiib wanaag makhaayada waxa fadhiyey, Sahal iyo Diiriye oo ka mid ahaa saaxiibada ay aadka isugu dhowyihiin Guuleed. Salaan iyo kaftan lays-ku tuurtuuray kadib, waxa loo gonda degey magaalo iyo warkeeda. Guuleed ayaa bilaabay oo weydiiyey saaxiibadii, in wax-ka jiraan dagaalka la-sheegayo ee Burco ka dhacay. Sahal ayaa, intuu hareeraha eegey oo kolba dhan jalleecay yidhi: "Waar!Guuleed ma sidii baad u huruddaa? oo miyaanaad maqal, in saaka arooryadii hore laga dul-hillaacay magaaladii Burco!, wax-kale kuma garatide waa lagu quraacday rag badan oo is-qaadqaadi jirey!". Guuleed markan wuxuu xaqiiqsadey in dagaal jiro, kaas oo ka geddisan dagaaladii hore. Diiriye ayaa hadalkii qaatey oo yidhi: "Dagaalku maaha Burco oo keliya ee ilaa Hargeysa wuu xidhiidhsan yahay, oo tan ayaa lay-noogu soo gelayaa!". Iyaga oo hadalkii haya ayaa waxa soo maray waddo aan ka fogeyn makhaayadda ay fadhiyeen gaadhi weyn oo ah kuwa ciidamada ee loo yaqaaney "Maqaadiirta". Gaadhigaa waxa saarnaa ciidamo farabadan, wuxuuna ku socdey xawli aan la qiyaasi karin, waxa gaadhiga daba socdey gaadhi yar oo qori dhuun weyni uu saaran yahay. Saddex-doodiiba mar-qudha ayey wada jalleeceen, kadibna iyagaa is-eegay, saddexdooda midkoodna muu-garaneyn qoriga dhuunta weyn ee gaadhiga yar saar-naa, balse waxay garaw-sadeen in qorigaa iyo ciidanka Maqaadiirta saaran-ba ay dagaalka Burco u socdaan. Guuleed iyo saaxiibadii-ba waxay ka kaceen makhaayaddii dhawr saacaddood kadib, iyagoo u kala kicitimey guryahoodii.

Maalintaa Guuleed waxay u ahayd werwer iyo farxad labadaba, wuxuu aad uga werwer-sanaa hooyadii oo maalintii khamiis-tii Burco gaadhey, si ay u soo booqato walaalkeed oo Burco degenaa, muddo bil ahna xanuusanayey. Guuleed markuu guriga ku soo laabtayba wuxuu waraystay in wax war ah laga hayo Burco iyo dagaalkii saaka bilawday, balse nasiib darro wax wara oo laga hayey Burco ma jirin, xataa lama odhan karayn dagaalbaa ka dhacay Burco iyo meel kale toona, waa in aan la soo hadalqaadin dagaalka Burco ka socda, qofkii lagu maqlo waxaa loo qaadanayaa inuu yahay qaran-dumis, go’aamada noocaas ah dadka reer Berbera way ka dhereg-sanaayeen oo hoos-hoos ayaa laysu waraysan-jirey.

Gelinkii danbe ayaa loo diyaar garoobay BBC-da si warka looga dhegeysto dagaalkii Burco ka dhacay, waxaad qiyaastaa warka laga sugayo BBC London iyo inta ay isu jiraan Burco iyo Berbera. Meeday dawladdii dalkani, meeye hay’adihii adeegga Bulshada, meeye ciidankii xoogga dalku, meeye Ciidankii nabadsugidu, xagey ka dhaceen ciidankii Bileysku, intaasiba iyo qaar kaloo badan, uma adeegaan bulshada ee way ka adeegaan oo waxay u adeegaan koox yar oo uu u taliyo Maxamed Siyaad Barre oo ku magacaaban madaxweynaha dalkan sii ciirciiraya. Sidaa daraadeed ayaa dan la mooday in la dhegeysto idaacadda ku taalla London, markii ay soo gashay BBC-du waxay ku bilawday dagaalka Burco iyo sida wax u dhaceen waxayse sheegtay inaanay fududayn sida loo heli karo war sugan, balse nasiib darro idaacaddii Muqdisho iyo tii Hargeysa toonna may soo hadalqaadin dagaal-kii Burco. Guuleed oo ka mid ahaa dadkii dhegey-sanayey ayaa intuu is-taagey yidhi: "Sidani ma-nololbaa, ma-soo hadalqaadi karno dagaalka Burco ka socda, ma-waraysan karno, maxaa dhintey, maxaase nool? sidani maaha si la-sii eegan karo, maaha dadnimo", "Geeriduba marbay nolosha dhaantaa". Halkaa markuu hadalka marinayo ayaa nin ka mid ahaa dadkii BBC-da dhegeysanayey, hadalka Guuleed-na maqlayey yidhi: "Iska daa calaacalka oo nin-baad tahaye ficil samee". Guuleed umuu jawaabin ee wuu dhaqaaqey, isagoo ay ka muuqato cadho iyo ciil.
Dagaaladii way sii ballaadheen, Hargeysa ayuu ka bilaabmay 31-05-1988 iyo meelo kale oo ay ka mid ahayd degmada Cadaadley oo uu ku yaalley saldhiga difaaca Hargeysa iyo Burcoba.
Waxa Berbera markiiba ka bilaabmay dil iyo xadhig loo geysanayey dadka rayidka ah een wax-ba galabsan, waxa la bilaabay in la ugaadhsado dadkii degaanka u ahaa Berbera iyo aageeda, waxa laga soo qabqabtay tuulooyinka ku hareereysan magaalada dad reer miyi ah oo aan wax socdaba ogeyn oo xoolahooda iyo haw-shooda gaarka ah aan ka badin karin, waxa la-qabqabtay odayaashii magaalada, waxa la kala soocay ciidamadii qaranka ee magaalada joogay, kuwaas oo laga saaray ciidamadii ka soo jeeday degaanka Berbera, Burco, Hargeysa, Ceerigaabo iyo inta u dhexaysa.

Dadkii la soo qab-qabtay waxa laga dhigay saddex qaybood, qayb Xamar loo dhoofiyey, qayb lagu xareeyey jeelasha buuxsamey ee Berbera ku yaalla iyo qayb dhegta dhiigga loo daray. Waxaas oo dhibaato ah ee, dil, dhac, kufsi, xadhig ee dalka ka socdey maalin keliya maamul-kii Muqdisho ma soo hadalqaadin, maalin keliya kama waramin waxa dhacay, taasi waxay keentay in dad badan oo markii hore aan jeclayn inay ku biiraan ciidamada SNM, ay dantu ku qasabtay, markay waayeen wax u garaaba, markay waayeen cid u naxda, markii lagu qaaday xukunka "Waraabaha", kaas oo odhanaya, haddii waraabe neef kaa cuno waraaboo dhan waa kuu cadaw.

Guuleed oo ka mid ahaa dadka ka caga jiidi jirey arrimaha SNM, una arkayey in aanay xal ahayn ayaa garawsaday inaan xal-kaleba jirin, aan ka-ahayn dagaal foodda lays daro iyo "kii roonoow reerka u hadh". Dad badan oo ka war-sugayey dagaalka Hargeysa oo filayey in qabsashada Hargeysa ay ku kala caddaan doonto, hadalka ka soo yeedha Radio Hargeysa, ayaa nasiib darro ay ku noqotey, markii dhawaaq laga waayey, Idaacaddii Hargeysa, balse dagaalka Hargeysa ka bilaabmey wuxuu noqday mid maamulkii Muqdisho uu qarin kari waayey.

Warkii oo kooban:
"War maanta naga soo gaadhey magaalada Hargeysa ayaa sheegaya inay magaalada soo galeen koox Budhcad ah oo u adeegaya cadawga Soomaaliyeed ee Itoobiya, isla-markaana madaafiic la beegsaday xarun-tii Radio Hargeysa, kuwaas oo dhaawac gaadhsiiyey, war-baahintii Idaacadda, balse kooxdaa budhacdda ah waxa gacan bir ah ku qabtay ciidamada xoogga dalka ee sooma-jeestayaasha ah"
La soco............ qaybaha danbe
Qore: Sayid Maxamed Yusuf "Dhegey"
 

Top


ARRIMAHA CAAFIMAADKA
Cudurka Cagaarshowga (Hepatitis, viral)
Barre Adduunyo, Freelance writer (SSJW)

Tiro yar oo cudurrada Cagaarshowga ah ayaa laysku yidhaa Jooniska dullinka viral “Viral Hepatitis”, maxaa yeelay siyaabo fara badan ayay isugu dhow yihiin dullinka keenaya xanuunkan, saameynta ay ku yeeshaan hab-difaaca jidhka iyo dabeecadaha cudurka, waxaana loo qaybiyaa noocyada A, B iyo C ama “Non-A, Non-B).

Cagaarshowga-A “Hepatitis-A”: Waxa kale oo loo yaqaan magacyo kala duwan, sida; Infections hepatitis, epidemic jaundice, catarrhal jaundice iyo type-A hepatitis.

Xanuunkan cagaarshowga-A waxa keena dullinka “virus” oo badkiisu yahay 27um. Xanuunkani waa mid dadka lagu arko ama u khaas ah, inkastoo mararka qaarkood lagu arko xayawaanka Daayeerka chimpanzee ee dadku rabaysto. Waqtiga uu cudurkani ku soo shaac-baxo (incubation period) waa 15-50 maalmood, celcelis ahaanna waxay noqonaysaa 28-30 maalmood, iyadoo ay khusayso qiyaasta dullinka ah ee jidhka soo gasha.

Cudurkan waxa laysugu gudbiyaa qof ilaa qof kale, iyadoo saxaraddu soo gaadhayso afka iyo gacanta, taas oo lagu arko saxarada toddobaadka 1aad ama 2aad ee cudurka, kadib marka ay soo baxaan callaamadaha cudurku, beerkana ay shaqadiisu xumaato, isla markaana waxa durdurka dhiigga laga helaa difaacii uu samaystay hab-difaaca jidhka ee u khaaska ahaa xanuunkan cagaarshowga-A.

Gaadiidka sida ballaadhan u fidiyaa waa biyaha iyo cuntada oo sadhaysma, hillibka, caanaha, saladhka iyo noocyada kale ee hillibka sida kalluunka oyster marka aan si fiican loo karin ee la cuno.

Calaamadaha uu ku bilaabmo xanuunkani waxa ka mid ah; xummad, hamuunta oo lunta (anorexia), yalaalugo iyo obocda oo qofka xanuunta, maalmo yar kadibna waxa soo shaac-baxa midabka huruudda ah ee qanjidhka (bile pigment), wuxuu socdaa toddobaad ilaa laba toddobaad, in yar oo dadka ka mid ahna wuxuu xanuunku sii socdaa muddo dhawr bilood ah.
Ladnaanshaha ama bogashada cudurku mararka qaarkood way dheeraataa iyadoo ay saameyn ku yeelanayso da’da qofka bukaanka ah. Bukaanka qaarkood ayuu si saf-mareen ah u jiidhaa cudurkani, iyadoo mararka qaarkood aanu soo bixin midabka huruudda ah, gaar ahaan carruurta taas oo lagu aqoonsan karo baadhitaanada lagu garto shaqada beerka (liver function test “LFT”). Qiyaasta u dhimata xanuunkani waa 0.1%, kuwaas oo u badan dadka waaweyn, caddeynta cudurkana waxay ku xidhan tahay calaamadaha muuqda oo loo geeyo natiijada shaybaadhka, kadib marka laga eego qaybta cad ee dhiigga (serum) loo yaqaano, lidka (antibody) ee ka hortagga dullinka cagaarshowga-A iyo lidka jidhka ee cudurrada, waxaana lagu eegaa baadhitaanka la yidhaa “Elisa-Test” iyo “Radio immunoassay”.

Juqraafi ahaan cudurkani waa mid dunidoo dhan lagu arko isla markaana si ballaadhan iyo si teel-teel ahba loo arki karo sida meelaha lagu hayo shaqada maalinlaha ah, meelaha laga hirgeliyo mashaariicda guryaha qiimaha jaban, baadiyaha iyo xeryaha ciidamada xoogga waqtiyada ay dagaaladu jiraan iyo meelaha nadaafadda degaanku hoosayso oo cudurkani si dhakhso ah uga faafo. Dillaacidda cudurku waa mid aadyar u socota, waxaanu ku badan yahay carruurta yaryar ee da’da dugsiga dhigata iyo dhallinyarada.

Ka hortagga cudurka: Siyaabaha looga hortago cagaarshowga-A waxaa ka mid ah;
- in bulshada lagu wacyi-geliyo nadaafada degaanka iyo mid qof ahaaneed, musqulaha oo joogto loo isticmaalo iyo faraxalka oo lagu dedaalo.
- Qallabka caafimaadka loo isticmaalo sida siliishyada, irbadaha iyo maqasyada oo lagu nadiifiyo kuleylka (sterilization)
- Dadka jooga ama u socdaalaya meelaha xanuunkani ka jiro oo la siiyo qiyaas tallaal oo ka hortag ah “Human Immunoglobulin”;
- Tallaal la siiyo carruurta dhalata ee hooyooyinkood qabaan xanuunka cagaarshowga-B (Hepatitis-B);
- Qaybta dhimbirka (mental) ee cusbitaalka oo nadaafadooda kor loo qaado;
- Shaqaalaha caafimaadka ee ay mudaan irbadaha iyo midiyaha dhiigga leh oo la siiyo tallaalka cagaarshowga-B, muddo 24 saacadood gudahood ah;
- Dadka isticmaala khamriga (alcohol) wuxuu sababaa in beerku dhakhso u dhaawacmo.
La soco………………….

Top


Guusha Xamaas iyo Gardarada Maraykanka

Maalinba maalinta ka dambaysa waxa soo baxaysa siyaasad xumada qaawan ee dawladda Maraykanka. Doorashadii dhowaan ka dhacday dalka Falastiin ee ay guushu ku raacday Ururka Xamaas, ayaa u cuntimiweyday maamulka Bush ee dalka Maraykanka. Siyaasadda Dawladda Maraykanka ee ku aadan Bariga Dhexe ayaa waligeedba ahayd mid u janjeedha xagga Yuhuuda. Maanta oo ay dadka reer Falastiin codkoodii si buuxda u siiyeen Ururka Xamaas, uma bannaana in uu Maraykanku yidhaahdo waa argagixiso oo waxa aan ka jarayaa mucaawinadii aan siin jiray.

Jimmy Carter oo mar ka ahaa madaxweyne dalka Maraykanka, goobjoogena ka ahaa doorashada ay Xamaas ku guulaystay ayaa maqaal uu shalay ku qoray wargeyska Washington Post uga digay dawladda Maraykanku in ay ciqaab ku soo rogto dadka reer Falastiin iyada oo mar-marsiiyo ka dhiganaysa guusha Xamaas ay gaadhay. Waxa uu Carter yidhi “Xarfad kasta oo ay is-bahaysiga Maraykanka iyo Israa’iil ku car-qaladaynayaan kuna ciqaabayaan dadka reer Falastiin, waxa ay keeni kartaa cawaaqib xumo raad xun ku yeelata hab-socodka nabadda”. Waxa kale oo uu Carter uga digay Bush in uu mucaawinada uu ka joojiyay dawladda Falastiin u dhiibo ururada aan dawliga ahayn.

Siyaasadda Maraykanka ee dawladaha Bariga Dhexe ku cadaadinaysa in ay qabtaan doorashooyin xor ah oo ay xisbiyo badani ku tartamayaan oo ku dhisan dimuqraadiyad ayaa u muuqda mid aan daacad ahayn markaa la eego halka uu maamulka Bush iska taagay doorshada ka dhacday Falastiin.

Dadka reer Falastiin waa ummad la gumaysto oo dalkoodii xoog lagaga haysto, waxa markaa u bannaan in ay cadawgooda hubkasta kula dagaalamaan si ay u helaan xoriyad iyo madax-bannaani buuxda. Muddo aad u dheer ayay ummadda reer Falastiin ahaayeen xaq-u-dirir, laakiin wax guul ah kama ay soo hoyn dagaaladii ay kula jireen Yuhuuda. Markii uu samaysmay ururka Xamaas ayaa waxa ay bilaabeen in ay dhalinyaro badani naftooda u hurto dagaalka ay kula jiraan Yuhuuda. Waxa iyana bilaabantay Kacdoono dhagax-tuur ah oo lagu weerarayo askarta Yuhuuda.

Ururka Xamaas waxa lagu aasaasay magaalada Qasa markii ay taariikhdu ahayd 14kii Diisamber 1987dii, waxana hogaamiyihii ugu horeeyay noqday Eebe ha u naxariisto eh Shahiid Sheekh Axmad Yaasiin oo ay Yuhuudu dishay isaga oo masaajid ka soo baxaya. Waxa Xamaas loo aasaasay in ay Yuhuuda ku qaado dagaal nooc kasta ah. Intii ay Xamaas samaysantay waxa Yuhuuda soo gaadhay dhaawacyo xoog ah oo ugu dambayntii ku qasbay in ay Marinka Qasa iskaga baxdo sannadkii hore.

Xamaas waxa ay kasbatay quluubta dadka reer Faslastiin iyada oo tustay maamul fiican oo ka fayaw musqmaasuqa ay Fatah ku caan baxday. Xamaas waxa hogaanka u qabtay dhalinyaro uu ka mid yahay Khaalid Mishcal iyo Ismaaciil Haniya oo haatan loo doortay in uu hogaamiyo dawladda ay Xamaas soo dhisayso.

Dawladda Maraykanku waxa ay noqotay “Cabdoo khalad fii al Xisaaab”. Marna kuma ay fikirin in uu ururka Xamaas ku guulaysan doono doorashada, waayo haddii ay in uu rumaysnaan lahayd in ay Xamaas guushu raacayso waxa ay ku dhaqaaqi lahayd hab ay ugu diido in ay Xamaas ka qayb-qaadato doorashada. Dawladda Maraykanka waxa ku dhacday jug aanay filayn.

Waxa uu maamulka Maraykanku dawladaha Bariga Dhexe u soo diray Condoleeza Rice oo ah xoghaya Arimaha Debedda Maraykanka. Rice waxa ay sidaa fariin nuxurkeedu yahay “Xamaas cunaqabateeya haddii kale idinkana waxa idinku soo bixi Ururo diimi ah”. Rice waxa ay hadalkan gaar ahaan ugu sheegaysaa dalka Masar oo ay Ururka Ikhwaan Al-Muslimiintu natiijo fiican ka soo hooyeen. Waxa uu Maraykanku og yahay haddii ay doorasho xor ah oo xalaali ahi ka dhici lahayd dalka Masar in uu Ururka Al-Ikhwaan Al-Muslimiin si weyn ugu guulaysan lahaa.

Maraykanku isaga oo ururka Xamaas ka been abuuraya ayuu ku tilmaamaa in uu yahay urur argagixiso. Waxa uu arintan ka dhaadhiciyay dawladaha Reer Galbeedka oo aan iyagu taladooda ku socon ee raaca hadba waxa uu Maraykanku yidhaado. Xamaas ma aha urur argagixiso ee waa urur xaq-u-dirir ah oo doonaya in uu dalkiisa xoreeyo, waa urur haysta kalsoonida ummaddiisa, waa urur u heelan in ummadooda ka saaraan gumaysiga una hor-seedaan hor-u-mar dhaqaale iyo bulsho.

Abshir Cabdillaahi Xassan, Riyadh – Saudi Arabia
 

Top