|
Madaxweyne Rayaale Iyo Wafdi Uu Horkacayo Oo
U Kicitimay Dalka Yemen
Xukuumadda Oo Warbaahinta Tustay Lixdii Maxbuus
Ee Isku Dayay Inay Jeelka Hargeysa Ka Fakadaan
Roobabka Gu’ga Oo Ka Curtay Gobolka
Sanaag
Ciidanka Kantaroolka Berbera Oo
Fashiliyey Fadhataysiga Beeb Yaalla Duleedka Wershada Sibidhka
Hay’adda COOPI Oo Dib Ula Noqotay
Dawooyin Loogu
Talo Galay In Lagu Talaalo Xoolaha Degmada Baki,
Kadib Markii Uu Joojiyey Wasiirka Xanaanada Xooluhu
Qalab Isboortis Oo Loogu Deeqay Kooxda
White Sand Village
Aqoon-isweydaarsi Ku Saabsan
Kor-U-Qaadka Fayo-dhawrka
Oo Ka Furmay Hargeysa
Cabdi-Casiis Samaale Oo Sheegay In
Madaxweynuhu
Golaha Wakiilada Ka Raali-Geliyey Warsaxaafadeedkii
Wasiirka Warfaafinta
Guddi Cusub Oo Loo Doortay Hoggaanka
Ururka Jaaliyadda Somaliland Ee UK
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Isa Seegga
Xukuumadda Iyo Baarlamaanka Ee (CARE or I DON’T CARE)
W.Q. Cismaan Abokor
Qofka Muwaadin Ah Oo Xaqiisii
Dastuurku Siiyay Meel Lagaga Dhacay, Ma Dowbaa?
|
|
Madaxweyne Rayaale Iyo Wafdi Uu
Horkacayo Oo
U Kicitimay Dalka Yemen |
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale
Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay ka dhoofay Madaarka
caasimadda Hargeysa, isagoo u sii jeeda magaalada Sanca ee dalka Yemen oo
uu booqasho rasmi ah oo laba maalmood ah ku joogi doono.
Weftiga Madaxweyne Rayaale oo Madaarka Hargeysa ay ka qaaday diyaarad gaar
ah oo uu Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax u soo diray, waxaa
Madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf
Yaasiin iyo Madax kale oo ka tirsan xukuumadda. WaxaanayMadaxweyne Rayaale
iyo ku-xigeenkiisu halkaas salaan sharaf kaga qaateen cutubyo ka tirsan
ciidanka Qaranka Somaliland.
Booqashadan Madaxweyne Rayaale oo ku soo beegantay xilli ay dawladda Yemen
ka qaylisay doonyo kalluumaysi oo ay ciidamada illaalada xeebaha
Somaliland bilihii ugu dambeeyay ku soo qabqabteen badda Somaliland oo ay
si sharci-darro ah ugaga kalluumaysanayeen, ayaa la filayaa inay u badan
tahay waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadli doonaan.
Madaxweyne Rayaale waxa safarkiisa ku weheliya Wasiirada Ganacsiga iyo
Wershadaha Nuux Sh. Cumar Sh. Muuse, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda
Maxamuud Maxamed Faarax (Oday), Xanaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim
Cabdi iyo xubno ka socda Rugta Ganacsiga Somaliland. Sidoo kale weftiga
Madaxweynaha waxa ka mid ah Rashiid Xaaji Cabdillaahi oo ah shakhsi
madaxbanaan, balse Wasiirka Ganacsiga ka soo qabtay xukuumadihii hore iyo
Saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada.
Madaxweyne Rayaale oo qolka martida ee Madaarka Hargeysa Saxaafadda kula
hadlay ka hor intii aanu dalka ka ambabixin waxa uu sheegay in
socdaalkiisani la xidhiidho martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha
dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax, isagoo yidhi: “Horta Saaka [shalay]
waxaan tegayaa Yemen oo runtii ah dad aynu jaar nahay oo xidhiidh badan oo
dhaqan inaga dhexeeyay isla markaana ah dad aynaan kala maarmi karin.
Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa martiqaad ii fidiyay,
ujeedada ugu weyn ee aan u tagayaana waxay tahay xidhidhka jaarnimo ee
ganacsi iyo arrimo nabadgelyada ku saabsan, waxaanu safarkaygu qaadanayaa
laba Maalmood.”
Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay bal inay Madaxweyne Cali Cabdalla isla
soo qaadi doonaan arrimaha Soomaalida oo uu aad ugu mashquulsanaa
sannadkii u dambeeyay waxa uu yidhi, “Horta arrimaha Soomaalida isaga oo
keliyi kuma jiro ee Carab iyo adduunka oo dhami way ku jiraan Cali
Cabdalla Saalaxna kuwaas ayuu ka mid yahay laakiin anigu waxaan kala
hadlayaa wixii Somaliland iyo Yemen dhex maraya.”
Mar la weydiiyay bal inuu kala hadli doono arrimaha Xoolaha Somaliland
waxa uu yidhi, “Xoolaha, dhaqaalaha iyo kalluumaysiga badda in wixii ay
inooga baahanyihiin sifo sharci ah aan uga wada hadalno, Nabadgelyada
badda oo inaga dhaxaysa oo mid waajiba ah waanu ka wada hadlaynaa iyo
wixii kale oo haddii ay wax ina tari karaana waan weydiisanaynaa”
Madaxweynaha oo la weydiiyay bal in safarkiisan Yemen salka ku hayo safar
uu toddobaadkii hore Sanca ku tagay Madaxweynaha Puntland Cadde Muuse waxa
uu yidhi, “Madaxweynaha Somaliland aniga oo ah ayaanu Cali Cabdalla Saalax
wada hadalnay iskumana dafirsanin dadkana khasab kuma lihin inay ina
ictiraafaan laakiin waxa mar kasta inoo taala inaan danaheena ka hadalno.”
Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu dawladda Yemen kala hadli
doono Doonyo Somaliland qabatay dhawaan oo Yemen laga leeyahay kuwaas oo
si sharci darro ah uga kallumaysanayay badda Somaliland waxa uu ku
jawaabay, “Horta Cafis ayaan doonyahaas u fidiyay li xusni niya, si aan
niyad wanaagsan ugu muujiyo oo jaarnimadeena u hagaajisano awalna waan u
fidin jirnay oo iyaga oo aan ina weydiisan ayaan iska fasixi jirnay mana
aha markii u horaysay ee aan qabano marar hore oo aan qabanayna way jiraan.”
Madaxweynaha oo la weydiiyay bal hadda inuu Cali Cabdalla Saalax kala
hadli doono inuu joojiyo hub lagu eedeeyo inuu siiyo Cabdillaahi Yuusuf si
uu u wiiqo awooda hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya waxa uu yidhi, “Horta
anigu faaladaas geli maayo taasna adigaan kuu daynayaa laakiin wixii
danaheena inaga ku saabsan iyo wixii nabadgelyadeena ku saabsan ee aan
nabadgelyadeena waxba u dhimayn kolay waan kala hadli doonaa.”
Mar Madaxweyne Rayaale la weydiiyay bal hadda waxa uu ka odhanayo
Weerarada Maamul-goboleedka Puntland maalmihii u dambeeyay ku soo qaadayay
degaano Somaliland ah oo uu dagaalna dhexmaray beelo reer Somaliland ah oo
bariga Sanaag degen waxa uu yidhi, “Dee inaguna waynu joognaa meesha oo
kama maqnin.”
Top
Xukuumadda Oo
Warbaahinta Tustay Lixdii Maxbuus
Ee Isku Dayay Inay Jeelka Hargeysa Ka Fakadaan |
Hargeysa, April 3, 2006 (Haatuf) –
Xukuumadda Somaliland ayaa shalay u ogolaatay koox ka tirsan Warbaahinta
Somaliland inay booqdaan lixdii maxbuus ee isku dayay toddobaadkii hore
inay ka baxsadaan Jeelka weyn ee magaalada, kuwaas oo ka mid ah xubnaha
loo haysto falalkii argagixo ee dalka ka dhacay sannadihii 2003, 2004 iyo
2005.
Kooxdan war-fidiyeenada ah oo ka kala socday Telefishanka dawladda iyo
Wargeyska Haatuf, waxay lixda ee la sheegay inay ahaayeen kuwii isku dayay
inay ka baxsadaan Jeelka oo qol xabsiga gudihiisa ah ku xidhan, iyagoo
gacmaha iyo lugaha kaga xidhnaayeen katiinado.
War-fidiyeenada oo isku dayay inay sawiro ka qaadaan isla markaana su’aalo
weydiiyaan lixda maxbuus ayay u suurta-gali wayday kadib markii ay qaylo
iyo sawaxan kaga jawaabeen iyaga oo diidan in warbaahintu sawiro ka qaado,
gaar ahaan kamarada telefishanka, isla markaana waxay wejiyadooda ku
duubeen dharkii ay xidhnaayeen iyagoo isku dayaya inaanay kamaraduhu
wejiyadooda qaban.
Lixda maxbuus ayaa caafimaadkoodu u muuqday mid wanaagsan iyadoo aanay ka
muuqan dhaawacyo iyo nabaro laga arki karo, marka laga reebo Cabdiraxmaan
Indha-cade oo lugta midig dhaawac ka muuqday, waxaana kaga duubnaa
baadhays.
Booqashadan warbaahinta ee jeelka Hargeysa, waxay ka dambaysay kadib
markii ay lixdan maxaabiista ahi ay isku dayeen inay ka baxsadaan jeelka
Hargeysa Axadii toddobaadkii hore (26/3/2006) oo ay darbiga Jeelka ka
daateen, balse markii dambe dib loo qabqabtay. Hase yeeshee, waxa soo
baxay warar sheegaya in qaar ka mid ah aan la soo qaban. Taas oo ay
xukuumadda Somaliland si weyn u beenisay, gaar ahaana wasiirka Arrimaha
Gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ku celceliyay in dhamaan
maxaabiistaas isku dayday inay baxsadaan gacanta lagu wada dhigay, isagoo
wasiirku isla habeenimadii falkaasi dhacayba jeelka hortiisa warbaahinta
ugu waramay. Top
| Roobabka Gu’ga
Oo Ka Curtay Gobolka Sanaag |
Ceerigaabo, April 3, 2006 (Haatuf) –
Roobabkii xiliga gu’ga ayaa ka curtay gobolka Sanaag saddexdii maalmood ee
u danbeeyey.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, Cabdirashiid
Xasan Cabsiiye, roobabkan oo biyaha ka dhacayey aad u badnayeen waxay ka
da’een dhulka buuralayda ah ee Cal-madaw, Daallo, Surud, Siraadlay iyo
dhamaan buuralayda gobolka ee ku taal silsilada Golis. Ilaa haddana
roobabkani degaamadii ay ka da’een wax khasaare ah lagama soo sheegin.
Waxa kale oo roobab dhulka maasheeyey ka da’ay degaamo badan oo ka kala
tirsan labada degmo ee Ceelaf-wayn iyo Ceerigaabo sida Yufle, Kalmac, God-canood,
Kalshiikh, Dayaxa, iwm.
Roobabkan oo kii biyihiisu ugu badnaayeen dorraad heleen magaalada
Ceerigaabo iyo agagaarkeeda habeen hore cawayskiina dib uga curtay.
Roobabkan oo xalay loogu hilaadinayo ama si wayn uga muuqda degmaada
gobolka ee koonfurta, Bariga iyo galbeedka gobolka waxaa la rajaynayaa ama
Illaahay laga sugayaa inta dadka iyo xoolahaba haraadka ka bi’iyo isla
markaana Berkadihii iyo ceelashii biyaha laga waayey biyihii dib ugu soo
noqdaan.
Gobolkan Sanaag oo ahaa gobolada abaarta ugu wayni ka jirto dadka iyo
xoolahana ay haleeshay biyo la’aan iyo cuno yari ma jirto cid uga soo
gurmatay dhibaatada abaarta marka laga reebo hay’adda Horn Relief oo
waqtigan ku dhex jirtay gar-gaar biyo dhaamis ah oo ay ka wado degaamada
Bariga Sanaag.
Curashada Roobabkan oo ku soo beegmay xili dadku warbaahinta kala duwan ay
ka maqleen hanti loogu talo galay dhulka ay waxyeelaysay dhibaatada
abaartu waxay dadku iswaydiinayaa hay’adaha iyo masuuliyiinta gacanta loo
geliyey deeqahaasi ma gaadhsiinayaan meelihii loogu talo galay?
Top
Ciidanka
Kantaroolka Berbera Oo Fashiliyey Fadhataysiga
Beeb Yaalla Duleedka Wershada Sibidhka |
Berbera, April 3, 2006 (Haatuf) – Fadhataysi
sharciyaysan oo lagu qaadanayey beeb yaala duleedka wershada sibidhka
magaalada Berbera ayaa fashilmay kadib markii ay ishortaageen furashada
beebkaas ciidanka bileys ee joogay rugta kaantaroolka oo aan wax badan ka
fogeyn halka laga qaadayey beebkaa (shamiitada).
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan
Dheere beebkan oo ahaa mid ka soo hadhay xaawiska biyaha ka soo qaada
ceelka FARADEERO oo ah ceelka labaad ee magaalada Berbera laga waraabiyo
oo kayd ahaana ugu yaalay in hadba wixii ka xumaada beebka aasan lagu
bedelo ayaa sida ay sheegeen ilo xog ogaal ahi waxay cida fadhataysaneysay
foodsaaro ka soo dhigteen wareegtooyin ogolaansho fadhato ah oo sida la
sheegay ka soo kala baxay xafiisyada wasiirada ganacsiga iyo macdanta iyo
biyaha iyo weliba badhasaabka gobolka Saaxil.
Kooxda Ciidanka bileyska ah ee ishortaagtay qaadashada beebka ayaa sida la
sheegay markay joojiyeen kadib la socodsiiyey maayarka magaalada Berbera
Siciid Daa’uud Cilmi, kaas oo isna ku amray ciidanku inay gaadh ka qabtaan
oo aan la qaadin isagoo duqu sida la sheegay qoraal ku saabsan inaan la
qaadina u dhiibay maalintii shalay taliyaha rugta bileyska kaantaroolka ee
jidka isku xidha magaalada Berbera iyo Burco kaasoo ah ka ay ka hawl
galaan ciidankaas ishortyaagay qaadashada beebkaas ay leedahay wakaalada
biyaha magaalada Berbera.
Ilaha warkan laga helay waxay intaas ku dareen in Madaxweyne ku-xigeenka
Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin qudhiisu aanu ka dheerayn la ogaanshaha
arrintan wasiiradu ogolaadeen, kaas oo sida la sheegay isna soo galay mar
badhasaabka gobolka Saaxil ku xidhay cida doonaysay qaadashada beebka oo
sida la xaqiijiyey ah nin u dhashay kililka shanaad ee dalka Itoobiya oo
ka ganacsada Somaliland.
Maaha markii u horeysay ee arrin noocani ka dhacdo wershada sibidhka,
waxaana jiray marar badan oo tan hadda ka horeeyey oo lagu qaatay qalab
badan oo muhiim ahaa haba u badnaado beebka lagu guro ceelasha biyaha
marka u horaysa ee riigu qodoyo.
Top
Hay’adda COOPI
Oo Dib Ula Noqotay Dawooyin Loogu
Talo Galay In Lagu Talaalo Xoolaha Degmada Baki,
Kadib Markii Uu Joojiyey Wasiirka Xanaanada Xooluhu |
Hargeysa, April 3, 2006 (Haatuf) – Ururka
dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ee ULPA ayaa dib ugu celiyey hay’adda
COOPI, maalintii jimcihii dawooyin lagu talaali lahaa xoolaha nool ee
degmada Baki ee gobolka Awdal, ka dib markii uu mashruucaasi is hortaagay
sida la sheegay wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Dr. Idiris Ibraahim
Cabdi.
Dawooyinkan oo yaalay xarunta kaydka daawooyinka ee Asbiima waxa isla
maalintii Jimcihiiba laga saaray madaarka Hargeysa diyaarad u kiraysan
Qaramada Midoobay, taasi oo u qaaday ilaa iyo xafiis goboleedka hay’adda
COOPI ee magaalada Nairobi.
Talaalkan oo la doonayey in lagu talaalo in ka badan 50,000 oo neef, waxa
uu ka dambeeyey ka dib markii uu wasiirka xanaanada xoolaha Somaliland Dr.
Idiris Ibraahim Cabdi codsaday in xoolaha nool ee deegaamadaasi laga
baadho cudurka susunka, taasi oo baadhitaan ka dib la xaqiijiyey in
cudurkaasi ka dilaacay meelo ka mid ah degmada Baki, kaas oo ay sameeyeen
dhinacyo ay ka mid yihiin hay’adda magaceeda la yidhaahdo SAHSP iyo
dhakhaatiir ka socota wasaarada xanaanada xooluhu.
Sida ku cad warqad heshiis ah oo ay wada galeen wasaarada xanaanada
xoolaha Somaliland, hay’adda mashruuca caafimaadka xoolaha Soomaalida (SAHSP)
iyo hay’adda COOPI, waxa lagu heshiiyey in laga talaalo cudurka Susunka
xoolaha ku dhaqan gobolka Awdal iyo deegaamada ku wareegsan ee uu
cudurkaasi sida dhakhsaha ah ugu fidi karo.
Mashruucan waxa maalgelinayey midawga Yurub, waxaana wada jir u fulinayey
ururka dhakhaatiirta xanaanada xoolaha Somaliland, hay’adaha COOPI, SAHSP
iyo wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland.
Hase yeeshee, sida ku cad minute qoraalka kulan ay dhinacyadani ku
yeesheen 18/03/2006 wasaarada xanaanada xoolaha, wasiirka iyo hay’adahani
waxa ay isku khilaafeen ka dib markii uu wasiirku ka codsaday hay’adda
COOPI inay keento dawooyinka talaalka xarunta wasaarada xanaanada xoolaha,
balse waxay taasi kaga jawaabeen masuuliyiinta hay’adda COOPI in aanay
taasi suurta gal ahayn, iyaga oo ku sababeeyey in dawooyinka loo qaadi
doono magaalada Boorame, oo saldhig u noqon doonta mashruuca talaalka.
Arrintaas oo uu wasiirku kaga jawaabay in aanay hay’adda COOPI aaminsanayn
wasaaradda xanaanada xoolaha. Isaga oo wasiirku intaa raaciyey in ay
arrintaasi ka soo horjeedo heshiiskii ay dhinacyadani kala saxeexdeen.
Waxaanu wasiirku sida hadal qoraalkan ku qoran yidhi. “COOPI waxay u
muuqataa mid aan rumaysnayn wasaarada, balse waad cusub tihiin, mana
ogidin dhibaatooyinkii uu ninka magaciisa la yidhaahdo Patrick ka dhex
sameeyey wasaaradda, ururka dhakhaatiirta xanaanada xoolaha (ULPA) iyo
hay’adda COOPI”.
Waxa kale oo ay labada dhinac isku khilaafeen tirada kooxaha talaalka iyo
waqtiga uu talaalkani soconayo, iyada uu wasiirku codsaday in la kordhiyo
tirada kooxaha dhakhaatiirta ah ee ka hawlgalaysa talaalkan iyo waqtiga uu
soconayaba, hase yeeshee ay masuuliyiinta COOPI u sheegeen inay hawshan
fulin doonaan oo keliya saddex kooxood muddo 15 maalmood ah, halka uu
wasiirkuna ka codsaday laba kooxood oo muddo 22 maalmood ah ay hawshan
fuliyaan. Taasi oo ay masuuliyiinta COOPI-na sheegeen sida aanay u suurto
galka u ahayn.
Aakhirkii kulankani waxa uu ku dhamaaday in khilaafka labada dhinaca cirka
isku sii shareero oo uu halkaasi ku xidhmo mashruucii la doonayey in lagu
talaalo xoolaha.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha Mr. Cali Axmed Cabdi, oo
aanu arrintan wax ka weydiinayaa ayaa ka gaabsaday inuu wax faah-faahin ah
ka bixiyo, balse waxa uu si kooban u yidhi. “Waan ka qayb galay anigu
kulankaasi, waxaanan ogaa, iyada oo ay labada dhinac isku afgaran waayeen”.
Wasiir ku xigeenka oo la weydiiyey sababta ay wasaarad ahaan u soo xidheen
mashruucan ayaa markale ka gaabsaday, laakiin waxa uu si kooban u yidhi.
“Anagu maanaan soo xidhin, wax waraysi ah oo aan ka bixinayaana ma jirto”.
Ururka ay leeyihiin dhakhaatiirta xanaanada Xoolaha ee Somaliland oo
magaciisa la yidhaahdo ULPA ayaa iyagu cabasho weyn ka muujiyey mashruucan
la soo xidhay, iyaga oo arrintaa ka hadlayana waxa ay yidhaahdeen “Waa
markii labaad ee wasiirku carqaladeeyo hawshan taakulaynta ah ee ku
waajahan xoolaha oo badi nolosha dadkeenu ku tiirsan tahay. Hay’adaha
mashaariicda wadaa marka hore waxay la xidhiidhaan wasaaradda, iyadaana
heshiiska la saxeexata, markaa ka bacdi ayaanu ka urur ahaan ka qayb
qaadanaa kolba wixii barnaamij ah ee la fulinayo. Mashruucan haddda wuxuu
ka kooban yahay saddex kooxood oo koox waliba tahay afar dhakhaatiir
xoolaad ah. Haddaba si ay wada shaqayntayadu u hagaagto koox kasta waxaanu
ka dhignay saddex dhakhtar oo ururka ah iyo hal dhakhtar oo wasaaradda ah
oo joogga degmooyinka ay hawshu ka socoto. Anagoo eegayna xaaladda dalka,
ayaa waxaanu dejinay qorshe ay dhakhaatiir badani ugaga qayb galaan,
labadii biloodba waxaanu saarnaa dhakhaatiir cusub. Imika waxaa
shaqaynayey dufcadii saddexaad, kooxuhu markay degmooyinka joogaan waxay
ku shaqeeyaan magaca wasaaradda. Wasiirka mooyee, wasaarada xoolaha wada
shaqayn wacan baanu leenahay. Amarkii wasiirka ayuu gebi ahaanba
barnaamijkii daaweynta xooluhu ku joogsaday, iyadoo ay hay’addii
go’aansatay in qaybtii dambe ee mashruuca loo wareejiyo Somalia. Joojinta
mashruuca wuxuu wasiirku shuruud uga dhigay in lacagta hawsha lagu
fulinayo isaga loo dhiibo iyo in magaca ULPA laga tirtiro heshiis ay wada
galeen hay’adaha mashruucan maalgelinaya iyo wasaaradu 30/01/2006 (MOU)”.
Maaha markii ugu horeysay ee khilaaf noocan oo kale ahi yimaado hase
yeeshee waxa ay hore labada dhinac iskugu khilaafeen mashaariic kale oo
talaal oo ay hay’adaasi iyo ururka dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ee
Somaliland ka wadeen gobolada bari ee Somaliland, kuwaas oo markii uu
wasiirku joojiyey sababay muran iyo qaylo dhaan xoog badan oo ka soo
yeedhay dadweynaha deegaankaasi iyo ururka dhakhaatiirta xanaanada xoolaha
Somalilanda ee ULPA.
Mashaariicda daryeelka caafimaadka xoolaha oo ka kala socday degaamo kala
duwan oo ilaa 4 gobol ah, kuwaas oo kala ah gobollada Togdheer, Sool,
Sanaag iyo Awdal waxa fulintooda iska kaashanayey dhinacyo ay ka mid
yihiin, ururka dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ah ee ULPA, hayadda
samafalka caalamiga ah ee COOPI iyo wasaaradda xanaanada xoolaha, laakiin
mashaariicdaasi markii ay badhtanka marayey oo aanay weli dhamaan ayaa si
kedis ah loo joojiyey, iyadoo la sheegay in amarrada lagu joojiyey uu
bixiyey wasiirka xanaanada xoolaha Dr. Idiris, iyadoo ay mashaariicdaasi
ka mid ahaayeen mashaariicda loogu yeedho mashaariicda gurmadka degdegga
ah daryeelka xoolaha oo uu ururka midowga Yurub (EU), maalgeliyo, kaas oo
xoolaha si lacag la’aan ah loogala tacaalayey waxyaalo ay ka mid yihiin,
Shillinta, Caalka, Dhamiijada, Jabtida, Dhukatada, Raaf-xanuunka IWM.
Mashruuca daryeelka caafimaadka xoolaha ee u dambeeyey waxa la joojiyey
dabayaaqadii bishii hore, waxaana la doonayey inuu mashruucaasi ka fulo
gobolka Awdal, gaar ahaan degaanka Baki, taas oo la sheegay inuu wasiirka
xanaanada xooluhu amar afka ah ku hakiyey, laakiin mashruuc kaa ka
horeeyey oo isna ahaa daryeelka caafimaadka xoolaha oo ka socday degaamo
ka mid ah gobolada Togdheer, Sanaag iyo Sool ayuu wasiirka xanaanada
xooluhu joojiyey, arintaas oo ay ilaa hadda qayladeedu taagan tahay, isla
markaana aan wax tafaasiil ah oo cuntanta laga bixin sababta loo joojiyey.
Mashruucan u dambeeyey ee gobolka Awdal, gaar ahaan degaamada Baki waxa
markii hore heshiis saddex geesood ah ka galay dhinacyada kala ah,
Wasaaradda xanaanada xoolaha, hayadda COOPI iyo urur ka shaqeeya
caafimaadka xoolaha oo magaciisa la yidhaahdo SAHSP, heshiiskaas oo dhacay
30-kii January, 2006 waxa dhinaca wasaaradda xanaanada xoolaha u saxeexay
wasiirka xanaanada xoolaha, Idiris Ibraahin Cabdi, halka uu hayadda COOPI
u saxeexay, Dr. Patrick Martin oo xidhiidhiye ah iyo hayadda SAHSP oo uu u
saxeexay nin la yidhaahdo Dr. Henry M. Wamwayi, waxaana heshiiskaasi
dhigayey inay wasaaraddu dusha ka maamusho geedi socodka fulinta mashruuca,
hase yeeshee mashruucaa inkasta oo laba bilood ka hor la kala saxeexday
laba bilood ka hor, hadana ilaa hadda lama fulin, waxaana la sheegay inuu
ninkii madaxda ka noqon lahaa fulinta mashruucaa uu dib dalka uga dhoofay,
ka dib markii ay masuuliyiinta wasaaradda xanaanada xooluhu carqalado ay
mashruucaa ku arbushayaan kala horyimaadeen.
Mashaariicda daryeelka caafimaadka xoolaha ah ee ka socday gobollada
Togdheer, Sool iyo Sanaag waxay ka socdeen degaamo balaadhan oo gobolladaa
ka tirsan, waxaana hawshaa fulinteeda wadday kooxo dhakhaatiir ah oo isugu
jira ururka dhakhaatiirta madaxa banaan ee ULPA iyo weliba dhakhaatiir ka
tirsan wasaaradda xanaanada xoolaha, gaar ahaan kuwo ka hawl gala gobolada
iyo degmooyinka ay hawsha mashruucaasi ka socotay, iyadoo ay kooxaha
dhakhaatiirta ah ee hawshaa wadday ay koox waliba maalintii daawayn jirtay
ilaa 1000 neef oo xoolo kala duwan ah.
Sida ku cad qoraal ka soo baxay xafiiska hayadda COOPI ee Nayroobi 19-kii
January, 2006 waxay saraakiisha hayadda COOPI ku tiraabeen in hadii aanay
xukuumadda Somaliland mashruucaa is-hortaagga ka joojin ay u wareejin
doonaan meelo koonfurta Somaliya ah oo u baahan, laakiin ilaa hadda taasi
may dhicin, waxayse warar xog-ogaal ahi sheegeen inay dhinaca xukuumadda
Somaliland ka war-sugayaan, hadii ay xukuumadda Somaliland wax jawaab ah
ka waayaan ay go’aan ka qaadan doonaan.
COOPI iyo ururka dhakhaatiirta ULPA ma aha ciddii u horaysay ee isa
sudhmaan wasiirka, laakiin mar hore ayey hayadda samafalka ee la yidhaahdo
VETAID iyo madaxda sare isugu qabteen mashruuc isaguna ahaa daryeelka
xoolaha oo la doonayey in laga fuliyo Somaliland, balse markii ay caqabad
la kulmeen loo wareejiyo dhinaca maamul-goboleedka Puntland. Sida hadaba
looga baqe qabo inuu mashruucani u wareego Koonfurta Somaliya.
Inta badan dadka arrintan la socda ayaa aaminsan in mashaariicda noocan
ahi yihiin, kuwo fara-kutiriska ah ee gaadhay degaamada xoola-dhaqatada ah
ee ay had iyo goor baahida badani ka jirto, ciddina aanay xaallayn, sidaa
darteed uma baahna in lagu arbusho masaaliix gaar loo eryanayo, waayo
xataa marka laga yimaaddo baahida caafimaad ee ay xooluhu u qabaan
barnaamijyada caynkaas ah, waxa kale oo iyana meesha taal in maalmaha ay
socdaan mashaariicdaasi ay shaqo ka helaan dad door ah oo isugu jira
dhakhaatiirta xanaanada xoolaha ee ay shaqo la’aani dilootay iyo dad
kaleba, taas darteedna waxa mudan inaan baahiyaha caynkaas ah laga door-biddin
danno iyo masaaliix gaar ah.
Dhaliilaha la xidhiidha mashruucan la joojiyey kuma koobna oo keliya
masuuliyiinta wasaarada xanaanada xoolaha, balse waxa jirta dad badan oo
rumaysan in mashaariicdani qayb ka yihiin qorshe ay hay’adaha caalamiga
ahi ku doonayaan inay meel kaga dhacaan qadiyada madax banaanida
Somaliland, waxaanay dadka aragtiyahaa qabaa hoosta ka xariiqayaan
hay’adda SAHSP oo ah mashruuca caafimaadka xoolaha Soomaalida, (Somali
Animal Health Services Project), taasi qaybta tababarka ka qaadanaysa
mashruucan, iyada ay dadku ku dhaliilayaan calaamadeeda oo ay ku sawiran
tahay khariidada dalkii la isku odhan jiray Somalia.
Mar aanu arrintan wax ka weydiinay masuuliyiinta hay’adaasina waxa ay ku
jawaabeen. “Waxa aanu anagu ka shaqaynaa Somalia oo dhan, waxaananu
xafiisyo ku leenahay Somaliland, Puntland, Jawhar, Af-Madaw iyo meelo
kale, waxaananu ka shaqaynaa neefka xoolaha ah oo keliya, ee dad kama
shaqayno, markaa wax siyaasad ah oo ku jirtaa ma jiro, ee wixii la
siyaasadeeyaa way noqonayaan, mana qabo inay arrintaasi tahay wax siyaasad
la gelin karo”.
Top
| Qalab Isboortis
Oo Loogu Deeqay Kooxda White Sand Village |
Hargeysa, April 3, 2006 (Haatuf) –
Gudoomiyaha Shirkadda White Sand Village ayaa shalay qalab Isboorti ugu
deeqay koox dhalinyaro ah oo ku ciyaarta magaca shirkadda oo la yidhaahdo
kooxda kubada cagta ee White Sand Village.
Xafladii lagu kala gudoomay deeqdan oo ka dhacday Hotel Hadhwanaag, waxa
ka soo qayb-galay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamuud Siciid
Maxamed, gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta C/rashiid Caydiid iyo marti
sharaf kale.
Ugu horeyn wasiirka oo munaasibadaas hadal kooban ka jeediyey ayaa uga
mahad-naqay qalabkaasi uu ugu deeqay gudoomiyaha shirkada White Sand
Village, isaga oo sheegay oo sheegay in qalabkan oo kale uu qayb muhiim ah
ka qaato ciyaaraha, gaar ahaan uu kor u qaado mooralka ciyaaraha, waxaanu
wasiirku kooxda kubada cagta ee White Sand Village Village uga soo
jeediyey halkaasi oo hadalo dhiiri-gelin ah.
Deeqda qalabkan ciyaaraha kubada cagta oo ka kooban kabo iyo direys ah
kuwa kubada cagta oo ay ku xardhan yihiin astaanta magaca kooxda iyo
waliba magacyada ciyaarahanada kooxda, waxa kala gudoomay gudoomiyaha
xidhiidhka kubad cagta C/rashiid Caydii iyo gudoomiyaha kooxda White Sand
Village Maxamed Axmed.
Top
Aqoon-isweydaarsi Ku Saabsan Kor-U-Qaadka Fayo-dhawrka
Oo Ka Furmay Hargeysa |
Hargeysa, April 3, 2006 (Haatuf) –
Aqoon-isweydaarsi ku saabsan kor u qaadida fayo-dhowrka dadweynaha iyo
dugsiyada ayaa shalay ka furmay Hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Aqoon-isweydaarsiga oo soo qaban-qaabisay hay’adda Sama-falka ee UNICEF,
isla markaana soconaya 5 maalmood waxa ka qayb-qaadanaya 32 xubnood oo
kala socda Wasaaradaha Caafimaadka, Macdanta iyo Biyaha, Waxbarashada iyo
ururada wadaniga ah ee la shaqeeya Barnaamijyada fayo-dhawrada.
Aqoon-isweydaarsigan waxaa furay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka iyo
Shaqada, Axmed Jaamac Samatar (Dr. Who), kaas oo halkaas hadal uu ka
jeediyay ku sheegay inay muhiin tahay fayo-dhawrka bulshada dhexdeeda,
waxaanu ku guubaabiyay in loo baahan yahay in Hoteelada oo kale aanay ku
xoolaha ku qallin meelaha dibada ee ay kawaanada xoolaha geeyaan.
Waxa kale oo isna ka hadlay Cawil X. Cali oo ka socday hay’adda UNICEF oo
isaguna sheegay inuu muhiim yahay fayo-dhowrku, “Wadamada Adduunku waxay
lacagta ugu badan ku bixiyaan fayo-dhowrka” ayuu yidhi Cawil, waxaanu
intaas ku daray sidaas darteed ay haboon tahay in layskugu talo. Top
Cabdi-Casiis
Samaale Oo Sheegay In Madaxweynuhu
Golaha Wakiilada Ka Raali-Geliyey Warsaxaafadeedkii
Wasiirka Warfaafinta |
“Aamina-Weris Iyo Muwaadiniinta Kale Xaqa
Ay Leeyihiin Cidi Isma Hortaagi Doonto” Rayaale
Hargeysa, April 3, 2006 (Haatuf) – Ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
C/casiis Maxamed Samaale ayaa shalay sheegay in madaxweyne Daahir Rayaale
Kaahin ka raali-geliyey golaha wakiilada warsaxaafadeedkii wasiirka
warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale 30-kii Bisha March 2006 uu ku diiday
go’aan golaha wakiiladu 20 March 2006 ka soo saaray shaqada hay’ada Care
ee la iska hortaagay Marwo Aamina Waris oo ah Aafada Gudoomiyaha xisbiga
Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Siilaanyo.
Madane Samaale wuxu sidaa ku sheegay mar ay shalay warfidiyeenadu isaga oo
xafiiskiisa jooga wax ka weydiiyeen sababta ay u baahiyeen shir-jaraa’id
oo ay Sabtidii kaga jawaabi lahaayeen diidmada xukuumadda ee go’aankooda,
waxaanu intaa ku daray in madaxweynuhu ka codsaday inay kulan ka yeeshaan
arintaasi.
Kulankaasi oo dhacay Habeen hore waxa uu Mudane Samaale sheegay in dood
iyo falan-qayn dheer oo dhexmartay madaxweynaha iyo shir-gudoonka
wakiilada, ka dib uu madaxweynuhu uu raali-gelin ka siiyey
warsaxaafadeedkii wasiirka warfaafinta.
Mar Mudane Samaale la weydiiyey waxa uu ku dambaynayo go’aankoodii ku
saabsanaa in Marwo Aamina Waris shaqadii ay ku guulaysatay ee Care la
siiyo, wuxu ku adkaystay in go’aankii goluhu gaadhay ee arintaa ku
saabsanaa uu sidiisii u soconayo, isaga oo oo maraya jaranjarada sharci,
madaxweynahana gaadhi doona. Waxaanu Mudane Samaale intaa ku daray in
kulanka ay la yeesheen madaxweynaha ay isku afgarten inuu raali-gelinta ku
daro arrimaha uu warbaahinta u sheegayo inta aanu u amba-bixin. Sidaas
darteedna waxa uu sheegay inay joojiyeen arrintaa ka hadalkeeda.
Hase yeeshee Madaxweyne Rayaale ka hor intii aanu ka amba-bixin madaarka
Hargeysa mar wax laga weydiiyey muranka soo dhexgalay xukuumadiisa iyo
golaha wakiilada waxa uu ku tilmaamay is-fahan la’aan yar oo ku saabsan
hawsha ay kala leeyihiin xukuumada iyo wakiiladu uu soo kala dhex-galay,
waxaanu yidhi ““Horta diidmadaas annagu xukumad ahaan wax aanu diidnay
imikana leenahay hala diido ma jirto run ahaantii, laakiin waxaad ogtahay
labadayada gole [Xukuumadda iyo Wakiilada] xoogaa kelmado ayaanu isku
tuur-tuurnay ujeedadeeduna waxay ahayd shaqada aan kala leenahay aan kala
marno laakiin ceeb kala oo aan u jeednay ma jirto. Waxaan leeyahay taas
[War-saxaafadeedkii Wasiirka Warfaafinta] haddii ay goluhu si kale u
turjunteen raali haka ahaadaan, waayo labada gole way wada shaqayn doonaan
masuuliyad qaran ayaa na wada saaran marna khilaaf ku wada shaqayn mayno
ee wax kasta waanu ka heshiin doonaa, shirgudoonkana waanu iska aragnay,
Inshaalaahu arrimahayaguna xagga fiican ayay u socon doonaan, iyada [Aamina-Weris]
iyo muwaadiniinta kale xaqa ay leeyihiin cidi isma hortaagi doonto.” Top
Guddi Cusub Oo
Loo Doortay Hoggaanka Ururka
Jaaliyadda Somaliland Ee UK |
London, April 3, 2006 (SDWO) – Ururka Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan
dalka UK (Somaliland Society UK) ayaa guddi cusub u doortay hoggaanka
ururkaas, waxaana guddidaas cusub laga dhawaaqay shir ballaadhan oo
dorraad (April 1, 2006) lagu qabtay waqooyiga magaalada London oo ay soo
qabanqaabiyeen ururka Somaliland Society UK.
Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne farabadan oo ka kala yimid
dacalada kala duwan ee magaalada London, waxaa halkaas hadalo furitaan ah
ka soo jeediyay Cabdixakiin Sulub oo ahaa xoghayihii Somaliland Society UK
ee xiligoodii dhamaaday, waxaanu Cabdixakiin warbixin kooban ku sheegay
ujeedada qabashada shirkan oo ah buu yidhi sidii dib loogu soo noolayn
lahaa ururkii Somaliland Society UK oo ahaan jiray urur aad u firficoon
waxqabad badana lahaan jiray laakiin in mudo dhawr sano ah aan sidaas
dhaqdhaqaaq badan u samaynin.
Cabdixakiin Sulub wuxuu hadalka ku soo dhoweeyay Muuse Cali Xirsi (Buurdhaab)
oo isna ahaa gudoomiye ku xigeenkii ururka Somaliland Society UK oo soo
koobay waxqabadkii ururku mudadii uu dhisnaa gaar ahaan xiliyadii uu aad
ka u firfircoonaa, oo ay ka mid ahaayeen banaanbaxyo balaadhan oo lagu
qabtay London, kuwaas oo ka dhacay baarlamaanka iyo xafiiska
raysal-wasaaraha Ingiriiska, BBCda laanta Af-Soomaaliga ee Bush House iyo
hawlgalidii aftida dastuurka oo qabashadeedii iyo fikradii ka danbaysayba
ay lugweyn ku lahaayeen buu yidhi Muuse ururkan Somaliland Society UK.
Waxa isaguna madasha lagu soo dhoweeyay si hadalo waano odaynimo ah uu uga
jeediyo goobta Wakiilka Somaliland ee UK Mudane Cismaan Axmed Xasan. Waxa
kale oo isna si odaytinimo ah uga hadlay goobtaas fanaankii weynaa ee
Xudaydi.
Waxa isaguna shirkaas marti u ahaa oo hadal ka jeediyey Maayarka magaalada
Hargeysa Mudane Xuseen Maxamed Jiciir oo hada fasax ku jooga magaalada
London. Maayar Jiciir wuxuu hadalkiisu ku jihaysnaa inuu jaaliyada kala
hadlo sidii qurba jooga Somaliland ay uga qaybqaadan lahaayeen hawsha
dhismaha biriijka cusub ee Hargeysa, oo uu sheegay in gudi madaxbanaani
maamusho oo iskugu jira culumaa’udiin, aqoonayahano iyo isagoo dawladda
hoose ee Hargeysa metelaya iyo xubno kale oo ka tirsan laamo kala duwan oo
xukuumadda ah.
Jiciir wuxuu sheegay kharashka biriijika in lagu qiyasay hal milyan oo
doolar isla markaasna ay xukuumadda iyo dawladda hoose ay bixiyeen
dhismaha biriijka 45% isla markaasna 55% ka hadhayna laga rabo dadka
shacbiga ahi inay ku taburucaan, ama gudaha dalka ha joogaan ama dibada ha
joogaane. waxaanu sheegay in shirkadaha iyo bayacmushtarka dalka gudihiisu
siday u kala xoola badanyihiin midba wax loogu qoray oo kuwa waaweyn lagu
qoray 50 kun oo doolar, halka kuwa dhexena lagaga qoray 10 kun oo doolar
kuwa hoosana lagu qoray 4 kun oo doolar oo ilaa hadda qaarbadan oo ka mid
ahi ay bixiyeen buu yidhi Jiciir.
Ugu danbayntii wuxuu yidhi Jiciir waxa haboon in doorkan xuska 18ka May
wixii ka soo baxa in lagu caawiyo oo lagu daro qaadhaankaas lagu dhisayo
biriijka, waxaanu sheegay in gudi madaxbanaan arintaas loo magacaabay oo
dhowaan soo gaadhi doonta UK si ay xafladaas isugu duba ridaan sidii
dhaqaalaha ka soo baxa loogu caawin lahaa sanduuqa dhismaha biriijka.
Intaas ka dibna Maayar Jiciir waxa la weydiiyay su’aalo dhawr ah oo inta
badan la xidhiidhay dhismaha Biriijka Hargeysa, kadib markii uu codsaday
inaan su’aalo qadiyadda biriijka ka baxsan la weydiin.
Intaas ka dib waxa la galay oo uu Cabdixkiin ku dhawaaqay liiska xubnaha
cusub ee loo qadimay shirka inay ogolaadaan ama ay diidaan oo ah xubnaha
loo doortay inay noqdaan hogaanka cusub ee ururka Somaliland Soceity UK,
xubnahaas oo ka koobnaa:
Maxamed Cumar Meygaag - Gudoomiye (Chairman)
Cali Xaamud Jibriil - Gudoomiye ku xigeen (Vice Chairman)
Maxamed Maxamud Cali - Xoghaye (Secretary)
Saamiya Sheef - Xasnaji (Treasurer)
Yasin Cisman Idiris - Isku duwe (Co-ordnator)
Fadumo Cumar - Afhayeen (Spokeswomen)
Casha Maxamud Qalib - Xubin (member)
Khadar Abokor - Xubin (member)
Axmed Waqaf - Xubin (member)
Yasin Maxamed Axmed - Xubin (member)
Cabdi Cali Mahdi - Xubin (member)
Adan Gaas Cabdi - Xubin (member)
Abdulkadir Maxamed Sheikh- Xubin (member)
Maxamed Qani Diriye - Xubin (member)
Suleyman Adan Faarax - Xubin (member)
Intaas ka dib waxa loo gudagalay su’aalahii dadweynuhu ay wax ka
weydiinayeen shirgudoonkii hore ee Somaliland Society UK, su’aalahaas oo
ay ka mid ahaayeen sida loo soo xulay ee lagu soo doortay xubnahan cusub
iyo inay xisbiyadu ka wada dhex muuqdaan, waxaanay xubnaha
shir-gudoonkaasi kaga jawaabeen in dadkani ka kooban yihiin oo laga soo
xulay xisbi walba laba xubnood iyo dadkii kale ee ka dhex muuqday bulshada
xaga dhaqdhaqaaqyada taageerida Somaliland.
Su’aalaha ka dib waxa lagu soo dhoweeyay gudoomiyaha cusub Maxamed Cumar
Meygaag inuu hadal yar oo kooban uu ka jeediyo madasha. Maxamed wuxuu
sheegay inaan gudidu keligeed waxba qaban karin haddii aan lala shaqayn oo
aan la garab istaagin, waxaanu ka codsaday in gudidii hore ee la bedelay
aanay sidaas ururka kaga tegine ee ay la shaqeeyaan oo talo iyo tusaaleba
ay uga baahan yihiin.
Gebogebadii xafladaas waxa soo gunaanaday oo khudbad u badnayd mahadnaq
guddidii hore ee soo qabanqaabisay kulankan ka jeediyey Gudoomiyaha
xidhiidhka Jaaliyada dibadaha iyo xukuumadda Somaliland Cabdifataax Siciid
Axmed. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Isa Seegga Xukuumadda Iyo
Baarlamaanka Ee (CARE or I DON’T CARE)
W.Q. Cismaan Abokor |
Ma doonayo in aan dib ugu noqdo raad raaca dhacdadan shaqada CARE iyo
Marwo Amina Weris oo runtii iyada lafteeda haddii wax laga qoro aan laga
gayoonayn, sababta oo ah way ka weyn tahay arrintu muwaaddin shaqo loo
diiday balse waxa keli ah ee lagu sifayn karaa waa neecawdii ka soo
horraysay dabaylo aynaan garanayn waxa ay inoo soo sidaan. Maxaa yeelay
Amina-Weris waa marwo, waa muwaadinad, waa aqoon-yahanad, waana astaanta
qoyskii halganka. Awoodda shaqada la iskaga hortaagayna wa awoodda
qarankii ay nolosheedii oo dhan u hibaysay. Qof kasta oo is yidhaahda ugu
cudur-daar xukuumadda arintaas wuxu meel kaga dhacayaa damiirka naftiisa,
ujeedada maanta laga leeyahayna waa mid berriba la wada ogaan doono.
Tiiyoo ay taasi jirto arrinta aan qalinka u qaatay, warqaddan cadna isula
dul-taagay waxa weeye dhawaaqyadii kala dambeeyey ee isku lid ka ahaa ee
saacadihii ina soo dhaafay ka soo kala baxay labada gole qaran ee fulinta
(CARE for KENYATI) iyo wakiilada (WE DON’T CARE) ee ku saabsanaa Hay’adda
Care.
Marka aynu si sharci ah oo xor ah u cabbirno maqaamka sharciyeed ee
qaddiyadan, su’aasha koowaad waxa ay noqonaysaa Golaha wakiiladu xaq ma u
lahayeen dikreeto hawl-fulineed. Xukuumadduse sharci ma u lahayd in ay
deedafayso ama ay ganafka ku dhufato go’aan baarlamaan. Waa maxayse
cawaaqibka ka dhalan kara dhacdooyinka noocan oo kale ah ee ka dhex-dhaca
qaran sideenna oo kale ah.
Haddii aan ku horreeyo qodobka koowaad, Golaha Wakiiladu sharci ma u
lahaayeen in ay soo saaraan dikreeto amar fulineed ah? Si aynu u hello
jawaab aan in-yar is-dul-taagno dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Golaha
wakiiladu sharciyan wuxu leeyahay laba awoodood, awood guud iyo awood gaar
ahaaneed. Awoodda guud ee Baarlamaanka ama haddii si kale aan u idhaahdo
awoodda dabiiciga ah ee Baarlamaanku waxa weeye xakamaynta iyo la
xisaabtanka xukuumadda. Waana waajibkooda koowaad in ay xakameeyaan
xukuumadda marka ay xadhkaha goosato, isla markaana la xisaabtamaan marka
ay xilkeeda gudan weydo. Awoodda labaad ee Golaha wakiiladu waxa weeye ta
ku xardhan toddobada farqadood ee qodobka 53aad ee kala ah awoodda
oggolaanshaha dowladda, awoodda ansixinta barnaamijka xukuumadda, awoodda
ansixinta heshiisyada caalamiga ah, awoodda ka tala bixinta siyaasadda
guud ee dalka, awoodda ogolanshaha xukunka deg-degga ah iyo awoodda u
yeedhidda iyo wax weydiinta wasiirada. Waxa intaa u raaca golaha
wakiillada awoodaha labada qodob ee 54ad iyo 55aad ee xeer dejinta
maaliyadda iyo ansixinta miisaaniyadda. Marka awoodahaas oo dhan la’ eego
ma jirto mid muujinaysa awoodda soo saaridda amar fulineed. Laakiin waxa
jira Qodobka 38aad farqadda 4aad xarafka J ee dastuurka Somaliland oo si
cad u dhigaya in golaha baarlamaanku awood u leeyahay.
“Hirgelinta xeerarka u degsan JSL iyo xaqiijinta taabbo-galka caddaaladda
oo saldhig u ah xasiloonida guud ee Jamhuuriyadda, isku kal-samaanta iyo
iskaashiga dadweynaha reer Somaliland”.
Haddaba haddii golaha wakiiladu uu u isticmaalay go’aankiisaas awooddiisa
guud ee dabiiciga ah ee xakamaynta iyo la xisaabtanka xukuumadda oo runtii
ah laf-dhabarta hawl-maalmeedka barlamaanka. Isla markaana qaatay
masuuliyadda ka saran fulinta qodobka 38aad ee dastuurka, iyaga oo weliba
maanka ku haya xeerka shaqaalaha ee ah mudnanta koowaad muwaaddinkaa leh.
Dabcan markaa in ay u hiilayaan muwaaddin xaqiisii la duudsiyey waa waajib.
Dhinaca xukuumadda haddii aynu eegno xaq ma u lahayd in ay deedafayso
go’aan Baarlamaan oo weliba ku salaysan xaqsiin muwaaddin. Dabcan sidii
aynu su’aashii horeba ugu kitaab furnay waa lagama maarmaan tanna in aynu
u meel dayno: Awoodda dastuuriga ah ee xukuumaddu inta badan waxa ay hoos
tagtaa 14-ka awoodood ee qodobka 90aad ee dastuurku siiyey Madaxweynaha.
Isu geynta awoodahaas ma jirto mid sheegaysa in Madaxweynuhu diidi karo
go’aan Baarlamaan. Laakiin waxa jira tilmaamo ku jira qodobka 77aad oo ka
hadlaya habka loo raacayo xeer-dejinta. Faqradda 4aad ee qodobkaas 77aad
waxa ay leedahay “Haddii madaxweynuhu uu u arko in mashruuc sharci oo
Baarlamaanku soo saaray ka hor imanayo qodob ama qodobo dastuurka ka mid
ah, waa in uu sidaa ku wargeliyaa shir-guddoonka iyo xeer ilaaliyaha guud
oo u gudbin doona maxkamadda dastuuriga ah” Qiilka keli ah ee xukuumadda
ugu jira dastuurka in ay go’aanka Baarlamaanka ganafka ku dhufan karto waa
kaas, inkasta oo uu qodobku tilmaamayo mashruuc-sharci, haddana waxa aynu
u tixgelinaynaa go’aan Barlamaan.
Sidaa darteed marka aynu intaas isla fahanno waxa marka ugu horraysaba
sharci darro noqonaya war-saxaafadeedkii wasiirka warfaafinta iyo
marin-habowgii uu ku sameeyey dastuurka. Waxa kale oo iyana jaah-wareer
abuuri karta xataa haddii sida dastuurku faray-ba aanay raacin qaabka
shaqo ee xukuumadda Riyaale oo labadii wasiir ee go’aanka Baarlamaanku
khuseeyey-ba waa Qorshaynta Hay’adaha (Axmed X.Daahir) iyo Xidhiidhka
Golayaasha (Cabdi X.Buuni)e’ aanay ka hadlin ee wasaaradda Warfaafinta
amar lagu siiyey taas oo diidmadii go’aanka Baarlamaanka iyo duudsigii
xuquuqda muwaadinkaba ka dhigtay go’aan iyo siyaasad xukuumaddu u dhan
tahay.
Ugu dambayn is weydiintu waxa ay tahay waa maxay cawaaqibka ka dhalan kara
isku dhaca labada gole ee xukuumadda iyo Wakiilada, dabcan dhacdadani waxa
ay soo dedejisay dareen dad badani qabay oo ahaa tolow golahan cusubi ma
xakamayn karaa, mase la xisaabtami karaa xukuumaddan xadhka goosadka ah.
Dhinaca cawaaqibka haddii aynu ka eegno dalka iyo dadka sida u wanaagsani
waxa weeye golayaal aan isku milmin oo saaxiib ahayn ee is ilaaliya,
laakiin malahay xukuumadda Riyaale waxa u wanaagsanayd in ay ka
feejignaato isku dhacyada aan xikmadda badani ku jirin ama haddii si kale
aan u dhigo isku dhaca aan lagama maar-maanka ahayn sida in ay
Baarlamaanka isku seegaan is bar-bar taagga Kenyaatiga ka socda CARE,
iyaga oo duudsiyaya xaqa muwaadin reer Somaliland ah oo bulshadiisii iyo
baarlamaankiisiiba bar-bar taagan yahay oo leeyihiin (We Don’t Care
Kenyati).
Cismaan Abokor, BA (HON) Politics, LLM Law
London, UK
Top
Qofka Muwaadin
Ah Oo Xaqiisii Dastuurku Siiyay
Meel Lagaga Dhacay, Ma Dowbaa? |
Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa dhacdo
ku dhacday Marwo Aamina Waris, waxa la yaab leh in maanta la maqaalo ama
la arko qof muwaadin ah oo ku guulaystay shaqo uu ku galay imtixaan laga
hor istaago, iyada oo marmarsiiyo looga dhigayo waxaad tahay xaaskii
Mujaahid Siilaanyo oo ah ninka gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee
Kulmiye, waxaana u arkaa inay tahay sababta waxa ku qaba ninka ila
tartamaya ee kursiga igu haysta. Waxaan la yaabannahay miyaanu dalka ka
madaxweyne ahayn, akhrisan dastuurka dalka? Mise waa badheedh waxa waxan
dalka looga samaynayo, waayo imisa sanno oo soo aragnay kun dhacdo oo
intaba lagu jebiyey dastuurka qaranka, waxaana u dambeysay tan marwo
Aamina Waris oo lagu jebiyey dastuurka, waxa iga su’aal ah madaxweyne
intaad dalka ka ahayd madaxweynaha waxa dhacay kun dhacdo oo ay sameeyeen
wasiirada ka tirsan xukuumada iyo iyaduba, sababtoo ah waxa wasiirku
sameeyo adigaa ka dambeeya, sababtoo ah anagu adigaa ayaanu ku dooranay,
adiguna waxaad dooratay wasiiro. Markaa anagu lama hadlayno wasiirka ee
waxaanu la xisaabtamaynaa adiga iska hortaagay shaqada ay ka heshay Marwo
Aamina Waris Care, waxa ka mid ah wasiirka qorsheynta iyo wasiirka
caafimaadka iyo shaqada oo qoray warqada loogu digayo hay’ada inaanay
shaqada ay heshay Marwo Aamina qaban karin, waxaanay sababtu tahay
kalsooni ay kaa haystaan, waayo wasiirkna kuma dhicin inuu qof muwaadin ah
kula kaco xaqdaro, Bal dib u eega qodobada distuurka ee 2-aad (faq.
1-aad), 25-aad iyo qod. 8-aad (faq. 2-ad).
Muwaadiniinta Somaliland, iyada oo aan lagu kala saarayn midabka qabiilka,
dhalashada, luuqada, lab iyo dhedig, hantida, afkaarta, iwm, waxay
sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajib siman, waxaas oo qodob ah
waxa jebiyey xukuumada Rayaale, markii u horeysayna maaha ee waxan oo kale
dhacaan, waxa ka horeeyey boqolaal qof oo muwaadiniin ah oo shaqadii
lagaga eryey Kulmiyaad tahay, waxaana iga su’aal ah madaxweyne
muwaadiniinta Somaliland aday xilka kuu igmadeen, xuquuqdoodana adaa ka
masuul ah mucaarid iyo muxaafidba, waxaanad moodaa in aanad ka warhayn
xuquuqdoodii iyo hantidoodiiba oo ay ku tunteen 50-ka wasiir ee kuu
shaqeeya.
Markaa madaxweyne waxa qof walba u muuqata in dalka ama dadka u wada ahayn
madaxweyne, sababta oo ah muwaadiniinta cid aad ka raali-gelisana ma jirto,
dastuurka dalka ee aad meesha ku timidna maalin walba waa la jebinayaa oo
aanad waxba ka qabanayn, waxaanan hada ku talin lahaa in aad arinta Aamina
Waris si deg-deg ah wax uga qabato.
Keys Geelle Xidig
Xubin Ka tirsan G/Dhexe Kulmiye. Top
|