Dawladda Yemen Oo Ogolaatay Inay Xafiis Wakiil U Ah
Ka Furato Somaliland
Dagaal Culus Oo Degaanka Majiyahan Ku Dhexmaray
Maleeshiyada Cadde Muuse Iyo Ciidanka Beesha Bariga Somaliland
“Somaliland Waxaan U Arkaa Dal Dulman,
Xaq Bayna U Leeyihiin Inay Gooni Isu Taagaan, Haddii kale Waa
Lagu Tuman Lahaa”
Waraysi Gaar Ah - Cali Aadan Marguus
Roobabkii Gu’ga Oo Somaliland Ka
Curtay
Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Ajandaha
Kal-fadhigooda
29aad Oo Qodobo Lagu Kordhiyay
Daah-Furka Mad-Madowga Ku Gedaaman
Qiimaha
Shirkadda TOTAL Sheeganayso Inay Ku Dayactirtay
Haamaha Shidaalka Berbera
Majeerteenya Oo Joojisay Siminaar
Garoowe Uga Furmi lahaa Suxufiyiin Ka Socda Soomaaliya Iyo Somaliland
MA QALOOCSHE
A. A. Garas
Qof Ku Dhintay Laba Gaadhi Isku
Duqeeyeen Oo Ka
Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xafiiska Gudidda
Imtixaanadu
Ma Ingiriiskuu Ku Yaallaa? Waa Yaab!
Mustafe Aden Nuur
|
|
Dawladda Yemen Oo Ogolaatay
Inay Xafiis Wakiil
U Ah Ka Furato Somaliland |
Cali Cabddala Saalax Oo Wafdiga
Madaxweyne Rayaale
Ku Qaabiley Qasriga Madaxtooyada Sanca
Sanca, Yemen, April 4, 2006 (Haatuf) – Madaxweynaha dalka Yemen Cali
Cabdalla Saalax ayaa shalay Subax qasriga Madaxtooyada ee caasimadda Sanca
ku qaabiley Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu
hogaaminayey oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaasi.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed oo uu soo diray Afhayeenka Madaxtooyada
Somaliland, Cabdi Idiris Ducaale, ahna afhayeenka wafdiga Madaxweynaha,
waxay labada dhinac kulankoogaas oo qaatay saacad iyo badh kaga
wada-hadleen sii xoojinta xidhiidhkii qadiimiga ahaa ee labada shacbi ka
dhaxay jiray ee dhinacyada ganacsiga, kalluumaysiga, waxbarashada, xoolaha,
kheyraadka badda, isgaadhsiinta iyo nabadgelyada, iyadoo si gaar ahna ay
xukuumadda Yemeni u ogolaatay in xafiis wakiil u ah ka furtaan Hargeysa,
kaas oo la mid ah ka Somaliland ku leedahay Sanca.
Wafdiga Madaxweyne Rayaale oo dorraad gaadhay Sanca ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedkaas
in halkaas si diiran loogu soo dhaweeyay, iyadoo weftiga Somaliland ay
Madaarka magaalada Sanca ku qaabileen raxan wasiiro ah oo uu horkacayay
wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Yemen, Abubakar al-Qirbi.
Waxa kale oo war-saxaafadeedkaas lagu sheegay weftiga Somaliland ay
hawlahooda soo geba-gabayn doonaan maalinta Arbacada ee berito, isla
markaana ay dalka dib ugu soo laaban doonaan maalinta khamiista 6 bisha
April 2006.
War-saxaafadeedka Afhayeenka weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxa uu u
qornaa sidan:
“Madaxweynaha Dalka Yemen Mudane, Cali Cabdalla Saalax ayaa maanta 11:00
duhurnimo, Qasriga Madaxtooyada si kalgacaltooyo leh ugu soo dhaweeyay
Madaxweynaha iyo Weftigiisa, oo shalay 11:00 duhurnimo booqasho hawleed ku
yimid magaalada Sanca oo uu roob ka da’ay.
Kullan 90 daqiiqo qaatay, labada Madaxweyne iyo Wasiiradii la socday, ay
wada hadallo ku yeesheen, ugu horrayntii Madaxweynaha Yemen Mudane, Cali
Cabdalla Saalax waxa uu uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland cafiskii uu
u fidiyey doonyaha Yemen, iyo ajiibidii martiqaadka uu fidiyeyi.
Madaxweyne Rayaale waxa uu uga mahad celiyey Madaxweynaha Yemen Mudane,
Cali Cabdalla Saalax, martiqaadka iyo sida loogu soo dhaweeyay dalkan
isaga iyo weftigii weheliyey, intaa kadib wada hadaladii halkaa lagu
yeeshey, arrimaha Siyaasadda ka sokow, waxa labada dhinac ay isla garteen
sii xoojinta, xidhiidhkii qadiimiga ahaa ee labada shacbi ka dhaxayn jiray
ee dhinacyada ganacsiga iyo dhaqanka, sidaasi awgeed Xukuumadda Yemeni
waxay ogolaatay:
1. Xafiiska aynu ku leenahay Sanca mid la mida ah inay Hargeysa ka
samaystaan, si ay u fududeeyaan iswaydaarsiga ganacsiga iyo isu socodka.
2. Arrimaha Ganacsiga iyo Kalluumaysiga waxay ogolaadeen in nidaam sharci
lagu macaamillo, arrintaasi oo heshiiskeeda ay isla diyaarinayaan
Wasaaradaha labada dhinac, si loo dhammeeyo inta weftigu aanu bixin.
3. Tallaalka Lo’ada oo dhibaato ka taagnayd iyo Dhibaatadii gaadiidka
badda ka labadaba waa la xalliley
4. Deeqo waxbarasho, oo aynu codsanay gaar ahaan kulliyadaha Science,
Caafimaadka dadka, xoolaha, Badda, Isagaadhsiinta iyo injineeriyadda iyana
waala aqbalay. Tirada ardayda iyo kulliyadaha waxa maanta loo saaray guddi
labada dhinac ah oo hawshoodu aroorta ka bilaabaya Wasaaradda Waxbarashada
iyo Tacliinta Sare.
5. Waxa Xukuumadda Yemeni ay ballan qaadeen in maalqabeenadooda ay ku
dhiirigelin doonaan maalgashiga Somaliland.
6. Iskaashiga Nabadgelyada Badda Cas iyo gacanka cadmeed iyo iska jiridda
in lagu aaso khashinka wershadaha iyo wixii sadheynaya badaha.
7. Waxa kale oo ay ogolaadeen Madbacad buugaagta dugsiyada daabici doonta.
Qodobadan iyo guud ahaanba arrimaha weftiga Madaxweynuhu ay ka rabeen
Yemen waxa shalay gallinkii dambe kullan fadhi ah ay iskula gorfeeyeen
guddi farsamo oo labada dhinac ah, maantana Qodobadii shalay la isla
meeldhigay ay Wasaaradaha ay khusayso ay kala shireen Wasaradaha inaga ah
dhigooda iyo Masl’uuliyiintii ka socotay rugta ganacsiga sida Wasaradaha
Kallumaysiga, Ganacsiga iyo Xoolaha Xalay
waxa la kullan la yeeshey Wakiilada Ganacsiga Xoolaha iyo Ganacsatadaba
Wasiirada iyo Madaxdii Rugta Ganacsiga si loo ogaado dhibaatooyinka haysta
oo loogu darro arrimihii labada dawladood ay maanta ka hadlayeen kuwasii
oo uu ogolaaday xallintooda Madaxweynaha Yemeni Cali Cabdalla Saalax.
Maanta Qado sharaf ayaa Dawladda Yemeni ay wafdigu u sameeyeen, gallinkii
damabana Madaxweyne Xigeenka Dalkan ayey kullan shaqo la yeesheen.
Weftigaasi hawlahooda waxay soo gaba gabeyn doonaan Arbacadda, Khamiistana
dalka ayey u soo amaba bixi doonaan. Top
Dagaal Culus Oo
Degaanka Majiyahan Ku Dhexmaray
Maleeshiyada Cadde Muuse Iyo Ciidanka Beesha
Bariga Somaliland |
Maleeshiyada Puntland Oo la gaadhsiiyey
khasaare dhimasho, dhaawac iyo Tikniko laga gubay
Hargeysa, April 4, 2006 (Haatuf) – Afar ka tirsan Maleeshiyada Puntland
ayaa shalay lagu dilay, toddoba kalena waa lagu dhaawacay kadib markii uu
dagaal qadhaadhi shalay ka dhacay Majiyahan oo ka tirsan degaanka bariga
Sanaag ee Somaliland.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Maleeshiyada Puntland ay weerar ku soo
qaadeen degaankaas, waxaana weerarkoodaas iska caabiyay oo ka hortegay
dadweynaha degaankaas oo u jilib dhigay, khasaare laxaad lehna gaadhsiiyay
maleeshiyada duulaanka ahayd.
Sidaana waxa weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, Cabdirashiid Cabsiiye u
sheegay Taliyaha Qaybta 3aad ee ciidanka Qaranka Somaliland, Muuse Jaamac
Maxamed oo ugu waramayay magaalada Ceerigaabo, waxaanu intaas ku daray in
dadweynaha is abaabulay ee degaankaasi aanu wax khasaare ahi soo gaadhin.
Hase yeehsee dhinaca Maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa waxa uu sheegay
in laga gubay mid ka mid ah gawaadhida tiknikada ah ee uu saaran yahay
qoryaha cul-culus.
Dagaalka shalay oo bilaabmay 3:30 galabnimo, ayaa dhirbaaco loogu geystay
maleeshiyaa weerarka ahayd, iyadoo dadweynaha degaankaasi ee is-abaabulay
ay isticmaalayaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq oo ay adeegsanayaan hubka
madaafiicda goobta ee Hoobiyaha loo yaqaano, waxaanay ka faa’iidaysanayaan
dhulka buuraleyda ah ee degaankaas.
Taliyaha maleeshiyada Puntland oo la yidhaahdo magaciisa Careys Ciise,
ayaa la sheegay inuu abaabulo maleeshiyo laxaadle oo uu degaankaas ku soo
daadgurayno, iyadoo la sheegay inuu maalmihii ugu dambeeyay magaalada
Boosaaso kula shiray beesha Majeerteen, taas oo uu kala arrinsanayo sidii
gurmad iyo xoojin loogu diri lahaa maleeshiyada beeshooda ee ku duulay
degaanka Majiyahan.
Dhinaca kale, ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan gobolka Sanaag, ayaa
saddexdii habeen ee ugu dambeeyay heegan ku jiray, iyagoo ka dhur sugaya
amarka madaxda sare ee ciidanka Qaranka Somaliland, ilaa haddana lama
sheegin wax tallaabo ah oo ay qaadeen iyo gacan ka geysteen dagaalada ka
soconaya.
Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland, Nuux Taani oo maalmahan ku sugnaa
degaanka Oog ee gobolka Sool ee fadhiisinka u ah ciidanka qaranka
Somaliland, ayaa la sheegayaa inuu xaga Hargeysa dib ugu soo laabtay,
iyadoo la filayay inuu tago dhinaca gobolka Sanaag.
Weerarkan cusub ayaa ka dambeeyay kadib markii hogaamiyaha
maamul-goboleedka Puntland Cadde Muuse uu telefiishan gobolkiisa laga
daawaco (ETN Boosaaso) laga siiyay isagoo si kulul uga hanjabaya
dadweynaha Beesha Somaliland ee Bariga Sanaag, iyadoo ay jirtay baaq ay
Salaadiinta Beesha Warsangeli u jeediyeen Cadde Muuse inuu maleeshiyadiisa
kala baxo degaanka bariga Sanaag, waxaanu Cadde Muuse isagoo baaqaas ka
jawaabay ku hanjabay in gobolka Sanaag ay tahay dhul ay leeyihiin, isla
markaana uu soo qabqaban doono wax uu ugu yeedhay dhallinyaro hub loo soo
dhiibay, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Iska daaya Majiyahan oo
Boosaaso 15km u jira, ee Sanaag oo dhan ayaanu leenahay oo dhulkayagii ah,
cidna uga haybadaysan mayno, idinkuna [Beesha Warsangeli] markasta oo la
arkaba waxaad leedihii kala qaada ciidamada. Hadda bal I eega wiilashan
hubka loo soo dhiibay ayaanu soo qabqabanaynaaye.”
Weerarada Maleeshiyada Cadde Muuse ay ku soo qaadayaan degaanada
Somaliland oo kan shalay ugu dambeeyay ayaan xukuumadda Somaliland ilaa
hadda wax tallaabo ah qaadin, iyadoo ay dhowr goor oo hore digniino uga
saartay inay tallaabo ka qaadi doonto haddii ay maleeshiyada
maamul-goboleedka Puntland soo weerarto degaanada Somaliland, iyadoo
digniintii ugu dambaysay ay dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee March ay
wasiirada Arrimaha Dibadda, Edna Aadan Ismaaciil iyo Dhallinyarada iyo
Ciyaaraha, Maxamuud Siciid Maxamed shir-jaraa’iid oo ay wada-jir u qabteen
ku sheegay inaanay dawladda Somaliland u sii dulqaadan karin weerarada
gardarada ah ee Puntland, iyagoo ku hanjabay in haddii ay maleeshiyada
kala bixi waayaan degaanada Somaliland ay tallaabo cad ka qaadi doonaan. Top
“Somaliland
Waxaan U Arkaa Dal Dulman, Xaq Bayna
U Leeyihiin Inay Gooni Isu Taagaan, Haddii kale Waa
Lagu Tuman Lahaa”
Waraysi Gaar Ah - Cali Aadan Marguus |
Baydhabo, April 4, 2006 (Haatuf) – “Dadka
reer Somaaliland iyo dawladoodaba anagu markuu Caydiid na haystay oo aanu
gobolada dalka Soomaaliya oo dhan aanu marayney, waxaanu tagnay Harggaysa,
si weynna waa naloogu soo dhaweeyay, gacan aad iyo aad u wanaagsan baa
nala siiyay xag siyaasadeed iyo xag dhaqaalaba iyo mid milateri” sidaa
waxa yidhi Cali Aadan Margguus oo ah siyaasi caanka ah gobalada Bay iyo
Bakool ahna gaanacsade kana mid ahaa aas aasayaashii Ururkii RRA, xilal
kala duwana ka soo qabtay Dawladihii Cali Mahdi iyo tii Cabdi-Qaasin oo uu
xil dhibaan ka ahaa oo uu waraysi gaar ah la yeeshay wariyaha Haatuf ee
Muqdisho Yaasiin Canjeex.
Waraysigaa waxa uu Marguus kaga hadlay sida uu u arko qaddiyada gooni isku
taaga Somaliland, halka uu ku dambeeyey ururkii RRA ee beelaha Digil iyo
Midhifle, dagaalkii dhexmaray iyaga iyo marxuum Generaal Caydiid iyo guud
ahaanba xaaladda Soomaalida ee hadda. Waxaanu waraysigaasi isaga oo
dhamaystiran u dhacay sidan:
S: Bal faahfaahin naga sii meeshii uu ku danbeeyey Ururkii RRA?
J: Ururkii RRA, waxa la’aas aasay sanadkii 1996dii, bishii Setember,
waxaana lagu aas aasay meel la yidhaahdo Jafey oo ka tirsan degmada
Barddaale, sababta loo aas aasayna waxay ahayd Caydiid oo ku soo duulay
gobolada Bay iyo Bakool oo ka soo duulay meel kun kiilo mitir u jirta
isagoo xaqiraaya qowmiyadda Digil iyo Midhifle ee ku nool gobolada koonfur
oo uu rabay inuu qabsado sida uu u qabsaday shabeelaha hoose oo kale,
arrintaa ayaanu ka dhii dhinay, dagaal ayaanu bilowney, waxaan
dagaalamaynay seddax sanadood iyo wax la jira, aakhirkiina waan ka saarnay
gobolada Bay iyo Bakool 1999kii, RRA way midowdey waxay muujisey dadnimo
iyo sidii la isaga dhicin lahaa cadawga banaanka ka yimaada, Caydiid
hadalo fara badan ayaa laga hayay, RRA xiligaas 1999kii ilaa 2002da si
fiican bay u socotey, saddax Nin baan ku aas aasnay Ururkan anigoo Cali
Aadan Margguus, Xasan Maxamed Nuur Shaati-Gaduud, Maxamed Maxamuud Boonoow
iyo rag kale oo uu ka mid ahaa Sayid Axmed iyo rag kaleba, waxaana noo
suurta gashay inaanu dadkayagii iyo dalkayagii dib u soo hanano, hase
yeeshee nasiib darro waxa nagu dhacay wax qabiil la yidhaahdo oo markii
Digil iyo Midhifle ay xoroobeen iyagoo dib isugu soo noqdey inay qabiil
qabiil u diriraan , waxa isku dhacay RRA-dii gudaheeda oo laba garab u
kala jabtay, markaa anigu waxaan ahaa nin siyaasad la daba taagan oo
doonayay inay goboladani ay madax banaanaadaan hase yeeshe way suura gali
weydey sidaadarteed, ujeedada aan uga hadhay maamulkaasina ahayd in maamul
goboleedyada marka la sameeyo inaan isku taago mas’uulka ugu sarreeya ayaa
ii qorsheysnayd, balse maamulka ee RRA ma dhex geli jirin anigu, waana
kala talin jiray arrimaha siyaasadda oo dhan, markii la isku dhacay oo
beel beel la noqdeyna nin kastaa beel buu ka dhashay, waxaan ahaa qoladii
banaanka u baxday, hase yeeshee waa anigii dib u qabsanay oo qoladii ay ka
baxeen iyaguna, intaa kaddib waxaan u anbabaxnay shirkii Ildereed.
S: Maxaa u sal u ahaa oo dhaliyay khilaafkii RRAda gudaheeda ka jiray,
yaase aad is leedahay wuu ka danbeeyey arrinkaa?
J: Waxa khilaafka abuuray Shaar-Gaduud oo aan madaxweyne u dooranay oo ku
qanci waayay madaxweyninimada, waxaana uu doonay inuu ka takhaluso raggii
kale ee ku xigeenadiisa ahaa.
S: Ma la odhan karaa khilaafka waxaa ku lug leh siyaaasad kale oo fara
gelin dibadeed ah?
J: Runtii way jirtay siyaasad kele oo dibadda ah oo Digil lyo Midhifle
gudihiisa laga dhex waday, mana jecli inaan magacaabo balse waxaan ku
leeyahay Soomaaliya oo dhan ayaa lagu hayaa siyaasad dibada ah oo fara
galin ah, mana aha wax u gaar ah Digil iyo Midhifle oo kaliya, balse way
jirtay in fara gelin dibadda ah ay awood nagu lahayd.
S: Xaggeed u malayneysaa inay fara gelinta ugu weyni idinkaga timid ee
gudaha ahi?
J- Arrintaas sababta lagu kala tegay waxay nooga timid Muqdisho iyadoo
ujeedada la lahaa ay ahayd in RRA oo wada jirta oo awood yeelata aan la
joogeyn gobolka shabeelaha Hoose isla markaana cabsi laga baqayo awgeed
ayaa la yidhi dhexdooda khilaaf ha lagu abuuro oo ha la kala jabiyo si
ayna u soo xusuusan gobolada kale ee ka maqan sida shaabeelaha Hoose iyo
Jubada Hoose.
S: Madaxda sare ee RRAda iyo siyaasiinta Digil iyo Midhiflaba miyaanay
ogeyn arrimaha caynkaas ah ee kala jabka ah ee la kala jabinayo
Qawmiyaddooda?
J: Runtii way jirtey qaar badan oo dareensan arrimahaas balse waxa jirey
rag badan oo aqoontoodu yar tahay oo aan dareensanayn halka ay in yar ka
fahamsanayd markii danbana laga awood badiyay".
S:Mar haddii dagaal uu dhex maray siyaasiintii Digil iyo Midhifle oo
garabyo ay kala noqdeen maxaa loo waayay dadkale oo arintaa wax ka qabta?
J waxa jiray in ay odayaasha beeshu ay isku dayeen dhawr jeer in ay nabad
kala dhex dhigaan oo ay heshisiyaan balse ma suura gelin oo maanta wixii
siyaasad ku salaysani waxay ka awood badan tahay waxa qabiil laysu laayo.
S: Siday kuula muuqatay markii aad aragtay waxyabahii aad u soo halganteen
oo isu bedalay in halgankii uu isu badalo qabiil in loo dagaalamo maxa kuu
soo baxay aragtidaada?
J: Runtii waxa wax laga murugoodo oo aan la filayn ah tan iyo wakhtigaa
Baydhabo waxay ahayd xabsi kor ka furan waxaana nasiib daro nagu noqotay
midnimadii aan ku faani jirnay wakhtigii Carta aanu joognay oo damacayagu
uu gaadhay in aanu madaxwayne isku sharaxno, hadii madaxwaynaha la wayaana
aanu Raysalwasaare qaadano aad baana nalooga baqan jiray, hada markii aanu
Nayroobi joognay ee dawladan la soo dhisayay waxa mugdi naga galay in aanu
gudoomiye baarlamaan aanu wayno ayay u dhawayd taasna waxa sabab u ahayd
tafaraaruqa nagu dhacay.
S: Beesha aad ka dhalatay ee Digil iyo Midhif ma la odhan karaa ilaa
lixdankii way dulmanayd oo waxba looma ogolayn oo wax isku xidh ah oo ka
dhaxeeyey may jirin?
J: Runtii waxaan ku leeyahay may jirin waligeed in ay isku siyaasad
noqdaan iyo mawqif ka dhexeeyey muu jirin dawladahii hore iyo kuwii
danbaba balse waxaan kuu sheegaya markii dhalinyaro aan ka mid ahay ay
qowmiyadan u soo kaceen oo aan samaysanay RRA ayaaba noogu horaysayba
midow iyo mawqif mid ah awalba naluguma xisaabtami jirin oo in nala kala
qaybiyo horaa loo bartay.
S: Mar hadii aad maanta isku timadeen oo heshiiskii Cadan uu idiin
hiiliyey waxaad moodaa Baydhabo wali in kala aragti duwanaanshihii uu jiro
maxaa xal ah oo aad ku tala jirtaan?
J: Runtii way jirtaa in la kala aragti duwan yahay intii waajid laga soo
noqdey oo heshiiska lagu soo galay, wax ficil ah oo la sheegi karo oo
hadda la qabtayna ma jiraan arrintii waxay noqotey in Baydhaba la isla
yimaado balse waxaan ku tala jirnaa in la isku yimaado dhawaan oo la
xaliyo waxyaalaha ay ka mid yihiin nabadgelyada iyo maamul u samaynta
gobolka.
S: Heshiiskii waajid lagu soo heshiiyay ee ahaa in dhamaan la dhameeyo
waxyaabihii is mari waaga dhaliyay ee u dhaxeeyay garabyada RRA-da yaad is
leedahay arrintaasi wey fulin waayeen?
J: Labada dhinacba arrintaasi way fulin waayeen qaar Muqdisho ayaa sidii
daayeer dhexda ka xidhan xadhigiisa laga hayaa, kuwa kalena waxa laga
hayaa Baydhaba dhexdeeda, Dawladda ku meel gaadhka ah ee kala jabtay ayaa
xadhigga loogu hayay labada dhinacba, kala qaybsanaantaasina way jirtaa
weli, qoloba qoladii kale ayay ku sii xidhan tahay, Baydhaba ayuun baa la
wada joogaaye wax tanaasul ah oo la isu sameeyay ma jiraan.
S: Rajo intee la eg ayaad ka qabtaa dawladda ku meel gaadhka ah ee
Baydhaba joogta ee uu hadheeyay khilaafka siyaasadeed ee saameeyay xitaa
in maamulkii Bay iyo Bakool in la fulin waayo?
J: Rubntii haddii ay arrintani sidan ku sii socoto dadka reer Baydhabo
dadaal ayay muujiyeen, waxayna marti geliyeen labada gole ee xukuumadda,
nabadda sidii loo heli lahaa bay ku dadaaleen, muddo laba bilood ah
maleeshiyooyinka way xaraysan yihiin, cid hadda gacan ka gaysatayna ma
jirto iyagaa is xilqaamay, beesha caalamka ayaa la rabay inay gacan ka
gaysato arrintan haddii aan dhaqaale loo helin arrintan ma sii socon karto,
maamulna lama dhisi karo, maleeshiyadaa la xareeyeynna haddaan tababar la
siin oo musharo loo helin waxa suurtoobaya ma aha waxayna la mid
noqoneysaa qolyihii Xamar inta ciidamada xareeyeen seddax bilood markii ay
hayeen cid ku taageertana ay waayeen ay Xamar ku soo noqdeen middaa oo
kale ayay u aayeysaa haddii aan hadda wax laga qaban.
S: Ma kula tahay maadaama gacan shishiiye wax laga sugayo in ciidamada
meesha la isugu geeyay siyaasad ahaana colaad horena ay ka dhaxaysay in ay
dib isugu soo noqdaan oo bur bur kale ay horseedaan?
J: Haa suurta gal weeye, maxay u suurta gali wayday, waayo haddii aan wax
laga qabanin meesheeda ayay ku noqoneysaa maxaa yeelay waa maleeshiyo,
maleeshiyana nolol ayay u baahan tahay maxaa yeelay waa nafley Nin
maalintii laba malyan, shan boqol iyo wax la mid ah kharash garaynayay
sideen isaga joog oo ku samir meel cidla ah ma yeelayo taasi caqligu wuu
diidaayaa inay meesheedii ku soo noqoto ayaana suura gal ah.
S: Siyaasad ahaan marka loo eego haddaan maamul la helin oo Digil iyo
Midhile uu leeyahay, sababta aan loo dhisin maxay tahay, yaa loo
aaneynayaa oo hor taagan?
J: Sababta loo dhisi la’yahay cid hadda gooni ahaan loogu eedeynayaa ma
jirto, waxaanan ku idhi macno iyo maaddi waaye, maaddi haddii loo eego
dhaqaale ayaa hor taagan. Haddii dhaqaale loo heli lahaa dadkaa waa loo
yeedhi lahaa, GNAdii waxay qabatay ma jiraan, dawladdii inay wax qabato
diyaar bay u tahay laakiin miskiin tamar daran weeyaan.
S: Ma qurux badan tahay in la helo nidaam iyo kala danbayn oo dadka Digil
iyo Midhifle inta ay shiraan siyaasiintoodu inay magacawdaan Maamul
dawladda ka madax banaan oo gobolada Bay iyo Bakool ay leeyihiin in xal la
heli karo oo beesha caalamkuna ay la shaqayn karto?
J: Waa la heli karaa, laakiin maanta haddii aad tidhaahdo laba nin ayaan
isku keenayaa waxa loo baahan yahay dhaqaale, dadka isku imanaya oo
doonaya inay maamul u sameeyaan gobolada Bay iyo Bakool waxay doonayaan
inay helaan wax ay ku dhaq dhaqaaqaan, albaabkii furihii laga geli lahaa
waa taas, haddii beesha caalamka iyo dawladduba ay wax ka qaban waayaan
laasim waa isku tashaneynaa oo dad baanu nahay, geedaha hoostoodaba aan
fadhiisanee insha’allaahu waa isku dayeynaa inaanu wax qabano.
S: Goormaad fileysaan maadaama aad ganacsato, aqoonyahano iyo siyaasiinba
aad leedihiin inaad shilinkiina iyo awoodiina aad ku tashataan si maamul
aad u dhisataan sow ma ahayn?
J: Awalba waanu u hurnay maalkayagii shilinkayagii, muddo afar biloodba
dadka nabadda Baydhaba ka shaqaynaya waxaa maal gelinayay ganacsatada iyo
wax garadka gobolka haatana waxa damaca na galiyay waxaan is leeyahay waxa
joogta dawladdii oo ama dawladda wax laga helaayo ee ay idiin fududaataa,
haddeyse sidan ku sii socoto anaga ayaa isku tashanayna inteena dalka
gudihiisa joogtaa iyo inta dibadaha ku maqani.
S: Ciidamadii ka soo guuray Xerada Konggo ee iminka ku sugan gobolka
Bakool adigu sideed u aragtaa?
J: Anigu waxaan ka mid ahaa markii la isku qabsaday ciidamadaas ma soo
galayaan gobolada Bay iyo Bakool midnaba raggii dhex dhexaadinta ka galay
sidii ay ku soo degi lahaayeen gobolka Bakool waana la isku raacay
maadaama awal si xun loo arkay, markii danbe markii la wada hadlayna waa
la isku af gartay inay soo degaan gobolka Bakool, khaasatan waajid.
S: Dad baa sheega in ciidankani ciidan beeleed uu yahay lagana keenay
gobolka Bari kuwaasoo u khaas ah Cabdullaahi Yuusuf adigu sideed u aragtaa?
J- Ciidan bari ka yimid weeyaan, gal gaduud ayay soo mareen waxba kaga soo
darsamay, Hiiraan bay yimaadeen waxbaa kaga soo darsamay, shabeelaha dhaxe
ayay yimaadeen wax baa kaga soo darsamay, bakool bay yimaadeen wax baa ku
darsamay, Bayna waxbaan kaga daraynaa Gedana waxbaanu kaga daraynaa
sidaasuu ciidan qaran ku noqon karaa, awal meel buu ka soo bilowdey,
haddana wuxuu marayaa meel dhexe illaa meesha ugu danbaysa ilaa ciidan
qaran uu ka dhismo.
S-Sida aad ogtahay sanadkii 1991kii ayay Somali-land ay ku dhawaaqday inay
ka go’dey Soomaaliya inteeda kale, markaa arrintaa siday kuula muuqataa
adiga?
J: Anigu horta Somaliland waxaan u arkaa dal dulman xuquuqdoodiina la
duudsiyay xiligii taliskii Maxamed Siyaad Barre, waa dadkii horseeday
midnimada iyo dawladnimada oo markii ay xoroobeen Muqdisho la yimid iyadoo
ayna jirin cid u yeedhay, raggii iyaga ahaa waa la xumeeyay si xun baa loo
galay dawladdii kacaanka ahayd ee Siyaad Barre ayaa fogeysey rag baa ka
soo hor jeedey gooni isu taagga Somali land oo lahaa khalad weeyaan,
laakiin aniga marna qalbigayga soomay galin, xaq bayna u leeyihiin inay
goostaan oo gooni isu taagaan haddii ayna sidaa yeeli lahayna waa lagu
tuman lahaa, koofurtu shan iyo toban sano ayay dawlad la’aayeen, hadda
Somali landna dawlad baa ka jirta, nidaambaa ka jira, haddii anaguna aanu
ku khasbi lahayn oo aanu odhan lahayn, sida dadka qaarba hadda ay
leeyihiin midnimadu waa muqaddas maxay muqaadas ku noqoneysaa, gurigaaga
haddii aanad wax ka qaban Karin, nin gurigiisa samaystay oo ku tala galay
sababta loo bi’inayaa maxay tahay, anigu fakir ahaan waxaan qabaa way ku
sax san yihiin, kuwanina (koonfurta) ma aha kuwo heshiis noqonaya,
lagamana filayo, haddii ay dadkaasi isku tashadeen waxa ila haboon in lagu
raaco oo sidooda loo daayo.
S: Ma jiraa wax xidhiidh ah oo idinka dhaxeeya Somali land haddaad tihiin
siyaasiinta Digil iyo Midhifle?
J: Dadka reer Somaaliland iyo dawladoodaba anagu markuu Caydiid na haystay
oo aanu gobolada dalka Soomaaliya oo dhan aanu marayney, waxaanu tagnay
Harggaysa, si weynna waa naloogu soo dhaweeyay, gacan aad iyo aad u
wanaagsan baa nala siiyay xag siyaasadeed iyo xag dhaqaalaba iyo mid
milateriba, xornimada aanu iska xoreynay raggii na qabsadayna gacan wayn
bay ka gaysteen, abaalna waanu u haynaa, aniga keligay ma aha ee dhamaan
Digil iyo Midhifle oo dhan ayaa abaalkaas u hayana markaa markii ay wax
nooga bahdaan hiil iyo hooba diyaar baanu ula nahay,anagu waxaanu waligayo
ahayn dad Fedraalka jecel oo lixdameeyadii ayaanu ka hadli jirnay iyaguna
caynkaas oo kale ayay ahayeen markaa iyaguna dulmigii way ka baxeen anguna
waanu ka baxnay markaa hadii midnimadii la waayey raali ayaanu ka nahay
sida ay doonayaan in loo yeelo. Top
Roobabkii Gu’ga
Oo Somaliland Ka Curtay |
Hargeysa, April 4, 2006 (Haatuf) – Roobabka
gu’ga oo in muddo la sugayay ayaa ka curtay Somaliland toddobaadkan,
waxaanay roobabku ka da’een inta badan gobolada iyo degmooyinka dalka.
Magaalada caasimadda ah ee Hargeysa ayaa shalay si weyn uu uga da’ay
roobku, kaas oo soo rogay daadad farabadan oo marayay jidadka iyo dooxyada
magaalada, waxaanu da’ayay maalintii shalay oo dhan.
Sidoo kale wararka naga soo gaadhay gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa
sheegaya in roobabku si weyn da’een inta badan goobahaas, sida Sanaag,
Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Gabiley iyo goobo ka tirsan gobolka Sool.
Roobabkan ayaa ku soo beegmay xilli ay dalka iyo guud ahaanba geeska
Afrika ka jirtay abaar ba’an oo daba dheeraatay, taas oo khatar ku haysay
xoolaha iyo dadka, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay socdeen hawlo
biyo-dhaamin ah oo loogu gurmanayo goobaha ay abaaraha xumi ka jireen. Top
Golaha Guurtida
Oo Ansixiyay Ajandaha Kal-fadhigooda
29aad Oo Qodobo Lagu Kordhiyay |
Hargeysa, April 4, 2006 (Haatuf) –
Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay cod
aqlabiyad ah ku ansixiyay Ajandaha kal-fadhigooda 29aad oo lagu kordhiyay
qodobo cusub.
Fadhigan oo uu gudoominayay gudoomiyaha golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan
(Saleebaan-gaal) ayay mudanayaashu dood ka yeesheen ajandahooga, waxaanay
cod dhan 41 mudane ku ansixiyeen ajandahaasi, iyadoo hal mudane diiday mid
kalena ka aamusay.
Ajandahan oo ka koobnaa shan qodob ayaa lagu kordhiyay qodobo ay ka mid
yihiin:
1. Garsoorka iyo cadaaladda;
Xaaladda guud ee Xabsiyada dalka iyo Nabadgelyada maxaabiista
2. Caafimaadka
Xaaladda guud ee Cusbitaalada dalka
3. Waxbarashada
Xaaladda guud ee dugsiyada iyo tayada waxbarashada
4. Xeer-hoosaadka ka dhexaynaya goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada, kaas oo
aan hore u jirin.
Top
Daah-Furka Mad-Madowga
Ku Gedaaman Qiimaha
Shirkadda TOTAL Sheeganayso Inay Ku Dayactirtay
Haamaha Shidaalka Berbera |
TOTAL Waxay Kala Aamustay Wasaaradda
Maaliyadda Malaayiin Dollar Oo Cashuurtii Shidaalka Ah
Hargeysa, April 4, 2006 (Haatuf) – Documents-ka qiimayn lagu sameeyey
dayactirka haamaha shidaalka ee dekeda Berberi u baahan yihiin oo uu helay
Wargeyska Haatuf ayaa daah furay madaw madaw iyo qiimo aan macquul ahayn
oo ay shirkada Total sheegtay inay ku maalgelisay dayactirka haamaha
shidaalka ee Berbera.
Ttaariikhdu markay ahayd 1995-kii ayaa Midawga Yurub qiimayn ku
sameeyeyeen haamaha shidaalka ee Berbera, wixii dayactir iyo bedel u
baahan, waxaanay sheegeen in aanay dhuumaha shidaalka qaada wax bedela u
baahnayn iyo dayactira toona, laakiin waxay sheegeen in biriishka ay dul
maraan dhuumaha shidaalka soo qaadaa oo xadiid ah u baahan yahay dayactir
iyo qolka dab demiska ee ku yaala biriishka dushiisa iyo qol kale oo cusub
dab demis oo dhinaca badda ah, waxa kale oo ay sheegeen in la soo iibinayo
qalabo yar yar sida mishiino iyo wixii la mida waxaa lagu qiimeeyey lacag
dhan 1,700,000 Euro (Milyan todoba boqol oo kun oo Euro), oo waqtigaas hal
Euro ahaa $0,08 sideetan cent.
Oo waqtigaas noqonaysay ama u dhigmaysay $1360,000 USD (Malyan saddex
boqol iyo lixdan kun oo doolar) lacagtaasi milyan iyo todoba boqol ee Euro
oo waqtigan xaadirka ahna noqonaysa lacag dhan laba milyan iyo dhawr boqol
oo kun oo Dollar sababta oo ah lacagtii Euro-ga ayaa sare u kacday oo
halkii Euro wuxuu u dhigmayaa ilaa hal dollar iyo badh waxaanay soo
saareen qiimayn iftiimanaysa shay kasta iyo lacagtiisa waana tan hoos ku
qoran, iyadoo aanu idiin soo turjunay.
Daraasada dib u habaynta haamaha shidaalka Berbera ee Midawga Yurub
maalgelinayso iyo kharashka ku baxaya oo ay soo qiimaysay shirkad Giriig
ah oo magaceeda la yidhaahdo Trtion consulting Engineers oo ka kooban 75
qodob.
Qodobada 1-aad – 4-aad waxay ka hadlayaan biriishka, waxaanu tilmaamayaa
furfurida biraha guudka biriishka ee daxalaystay eek u yaala wadada la
dulmaro ee biriishka, jaran jarooyinka, xejiyayaasha, isku xidhayaasha (xidhiidhiyayaal)
iyo qolka dab demiska oo dhamaan biriishka guudkiisa ku yaala iyo weliba
gacan qabsiga iyo wixii la xidhiidha (birahan la qabsado marka biriishka
la dul socdo). Qalabka M2 900X40 Euro = $3600 Euro, toban xabo biro ah M1
400 X 10 Euro = 14000 Euro.
Qodobka shanaad furfurida iyo isku duwida pipe-ka dhuunta qaada shidaalka
maraakiibta lagu shubayo L-Sum hal xabo qiimaheeduna yahay 30,000 Euro (sodon
kun oo Euro).
Qodobka 6-aad fur-furida iyo isku duwida gacmaha dhuunta loogu talo galay
dhaaminta shidaalka la siiyo maraakiibta eek u yaala halka ugu dambaysa oo
ay ku baxayaan 2X30,000 = 60,000 Euro.
Qodobka 7-aad. Furfurida iyo isku duwida guriga dam demiska eek u yaala
biriishka guudkiisa iyo qalabka la xidhiidha sida mishiin, wiring, panels,
lights, swiches. Etc oo ay ku baxayso lacag dhan 10,000 Euro.
Qodobada 8-aad – 13-aad – keenista qalabka biraha lagu dhisayo biriishka
sida Steel plates 6mm thicknes M2 150 xaboX 150 Euro = 22500 Euro.
Supports fitting ets- 750 xabo X 50 Euro = 37500 Euro.
Steel laders from upper to lower deck water surface etc M 1350 xabo X 60
euro = 81000 euro.
Manorail crane ring hal xabo 1000 euro. Beam sections 200kgs X5 Euro =
10,000 Euro.
Qodobada 14-20: waxa ay sheegayaan dayactirka halka tankarada shidaalka
lagaga shubo haamaha Reinforcement Steel in Piles oo kala ah Jetty head
1100kgs X 5 Euro = 5500 Euro. Causeway 8500kgsX5 Euro = 42,500 Euro.
Insitu concrete in piles, Jetty head 35m3X50 Euro = 1750 Euro. Causeway
150m3X50 Euro = 7500 Euro. Coating, jacket system for marine pile
projection above -0.35m and below +1.65m Jetty head 200m2 X 100 Euro =
20,000 Euro. Causeway 850m2 X 100 Euro = 85000 Euro. Pump house 50m2 X 100
Euro = 5000 Euro.
Qodobada 21-30-aad: qalabka uu ka kooban yahay biriishku ee wax laga
qabanayey, waana sidan. 10” diam pipelines AP1 5L GR. B STD, SCH including
all elbows, reducers, tees, flanges, etc 120m X 200 Euro = 24000 Euro.
6” diam F.F Line AP1 5L Gr. B STD, SCH including reducers, tees, 50m X 150
Euro = 7500 Euro.
4” diam Cooling Spray line AP1, 5L Gr. B, STD, SCH, 55m X 100 Euro= 5500
Euro.
3” diam Cooling Spray line AP1, 5L Gr. B, STD, SCH 60m X 75 Euro = 4500
Euro.
Full cone ½ Sprinkless 24 pieces X 150 Euro = 3600 Euro.
10” Gate Valve according AP1 600, 5 pieces X 2700 Euro = 13500 Euro.
10” Check Valve according AP1 600, 2 pieces X 2500 Euro = 5000 Euro.
30ft Long 8” diam floating barbell rail hose with all necessary flanges
hoisting collars, Chain lugs etc. according O.C.I.M.F hose standards 2
pieces X 25000 Euro = 50000 Euro.
35ft long 8” diam floating, tile hose all necessary flanges, lifting
collars Chain lugs etc. 1p X 20000 Euro = 20000 Euro.
6” diam F.F Line AP1 5L Gr. B STD, SCH, 130M X 150 Euro = 19000 Euro.
Qodobada 31 – 35: Guriga bambka wixii laga qabanayey 10” diam F.F Manifold
hal set oo qiimihiisu yahay 3500 Euro.
10” Gate Valve according AP1 600, 2 pieces X 1750 Euro = 3500 Euro
8”: Gate Valve according AP1 600, 2 pieces X 2000 Euro = 4000 Euro.
6” Gate Valve according AP1 600, 1 Piece X 1500 Euro = 1500 Euro.
8” Check Valve according AP1 600, 2 Pieces X 2000 Euro = 4000 Euro.
Qodobada 36 – 40-aad: Booyadaha tankanku ku soo xidho ee haya waxa ku
baxaya kharash dhan 177500 Euro
Qodobka 41-aad guri cusub iyo hadh loo samaynayo bambka dab demiska oo
qiimihiisu noqonayo 10,000 Euro.
Qodobada 42- 58-aad: Waa qalab kala duwan oo loo samaynayey biriishka oo
aad muhiim u ah qiimihiisuna noqonayo 191950 Euro.
Qodobka 59: Waa laydh ku shaqaynaya tamarta qoraxda oo shidmaya lixda
fiidnimo, bakhtiyayana lixda subaxnimo (Navigation lights) qiimaha ku
baxayaana yahay 7650 Euro.
Qodobada 60- 75-aad waa daxal ka qaadista, xoqida, rinjiyeynta iyo
buufinta (plesting) biraha daxalaystay ee biriishka oo ay ku baxayso lacag
dhan 282380 Euro.
Taas oo marka la isku wada geeyo noqonaysa 1,700,000 Euro.
Dayactirka EU-du samayn lahayd oo u diiday madaxweynihii hore Marxuum
Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxay daah ka rogaysaa oo iftiiminaysaa
qodobadaa.
1. In aanay dhuumaha shanta ah ee ay goysay shirkada Total aanay waxba
qabin, badelna u baahnayn, laakiin biriishka xadiidka ahi u baahan yahay
dayactir iyo wixii kale oo soo raaca.
2. In dhamaan dayactirka haamaha Berbera 1,700,000 Euro oo waqtigaa u
dhigmaysay $1360,000 USD. Taasi oo beeninaysa waxba kama jiraana ka
dhigaysa lacagta Total sheegtay ee ah $3,600,000 (saddex milyan iyo lix
boqol oo kun oo dollar) oo ay ku sheegtay inay haamaha ku dayactirtay,
taasi cid la ogayd wixii ay qabteen aanu jirin iyo lacagta 3,500,000 Euro
(Saddex milyan iyo shan boqol oo Euro) una dhigmaysa afar milyan iyo laba
boqol oo kun oo dollar oo Maraykanka oo ay ku sheegtay qiimaha dhuunta
cusub ee ay geliyeen, taasi oo ilo xog-ogaal ahi xaqiijiyeen in aanay
Total haysan heshiis saxeexan oo sharciya oo aanay haba yaraatee jirin cid
dhinaca xukuumadda Somaliland u saxeexday, iyada oo maamulka Total imika
raadinayso cidii ay ka saxeexi lahayd.
Dhinaca kale ilahaasi waxay tibaaxeen in duminta shanta dhuumood iyo
samaynta dhuunta keliya ay isla ogolaadeen Total iyo Madaxweyne Rayaale,
laakiin wax qiimo ah islamay gaadhin, mana jirto cid goob joog uga ahayd
oo ka socotay xukuumadda, intaa ay Total samaynaysay dayactirka oo og
xataa shaqada ay qabanayeen iyo waxay qabteen ee dhabta ah toona, iyadoo
shirkada Total aan waxba ka qaban haamihii dayactirka u baahnaa oo ah
kuwii shirkada Ingiriiska ah ee Shel dhistay, kuwaas oo daldaloola oo
daamurkii dhulka kaga qubanayo mar ay weriyeyaal Haatuf ka tirsani
booqdeen bilawgii bishii June 2005.
Dhinaca kale warar aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah waxay tibaaxayaan in
shirkada Total Qandaraas ku siisay dayactirka haamaha Berbera lacag dhan
$700,000 (todoba boqol oo kun dollar) nin Lubnaani ah oo lacagtaasi
siiyeen, shaqadana intaas ku qabtay, Totalna dawladda Somaliland kaga
qaadayso lacag dhan $3,600,000 (saddex milyan iyo lix boqol oo kun
dollar).
Isku soo wada duuboo qiimaynta dayactirka ee Eu-du samaysay 1995-kii waxay
waxba kama jiraan ka dhigaysaa lacagta Total ku sheegtay inay ku
dayactirtay haamaha shidaalka iyo dhuunta cusub oo dhan $7,800,000 (todoba
milyan iyo sideed boqol oo kun dollar).
Dayactirkaa oo aanay xukuumadda Somaliland qandaraas ku bixin, waxaana si
cadawtinimo ah loo burburiyey, loona googooyey shantii dhuumood ee
shidaalka ka soo shubaysay maraakiibta sida shidaalka ilaa boqol kun ee
ton ah iyo dekedii ay ku soo xidhanayeen si aanu shidaalka Itoobiya u soo
marin Berbera oo aanay uga soo wareegin dekeda Djibouti oo shidaalka
Itoobiya soo mari jiray oo aanu hirgelin heshiis ay wada galeen dawlada
Somaliland iyo dawlada Itoobiya, lana ilaaliyo maslaxada dawlada Djibouti
arrintaas oo ogolaanshaheeda u bixiyey madaxweyne Rayaale oo qaatay amarka
Ismaaciil Cumar Geelle.
Dad badan ayaa rumaysan in aanu hirgelayn heshiiska ay Somaliland iyo
Itoobiya kala saxeexdeen ilaa lagu celiyo dekeda dhuumihii shanta ahaa,
kuwaasi oo ay dad badani oo reer Somaliland ahi qabaan in dhuumahaasi laga
iibiyey dekeda cusub ee Djibouti laga dhisayo ee Jabal Cali ee dawlada
Imaaraadku maalgelinayso.
Tan iyo 1998-kii markii ay shirkadda Total Red Sea heshiiska dayactirka
haamaha shidaalka la gashay xukuumaddii xilligaas ee Somaliland ee uu
hogaamin jiray Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxa soo baxayey qaylo
dhaan ka soo yeedhaysay inta badan dadka ka faalooda arrimaha dhaqaalaha
iyo siyaasada ee Somaliland, kuwaasi oo sheegayey in lacagta ay Total
sheegtay inay ku dayactirayso haamaha shidaalku aanay ahayn mid sax, balse
ay tahay dhac badheedh ah oo ay shirkadaasi kula kacayso Somaliland, kaas
oo ay weliba xukuumadduna ku taageerayso.
Cabashadan iyo qaylo dhaanta ka dhanka ah shirkada Total waxa ay sababtay
in golihii hore ee wakiilada Somaliland diidaan inay heshiiskaasi
ansixiyaan, isla markaana waxay eedayn maamuus ka xayuubin ah ku soo
oogeen madaxweynihii hore alla ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim
Cigaal, kaasi oo uu kaga badbaaday hal cod.
Inkasta oo golihii hore ee wakiiladu laalay heshiiskaasina haddana weli
shirkadda Total way shaqaysaa, waxaana la sheegay in kiis arrintaa ku
saabsan oo ka dhan ah laalista golaha wakiilada ee heshiiskan uu
Mdaxweynihii hore ee Somaliland u gudbiyey Maxkamadda sare ee dastuuriga
ah, taasi oo aan ilaa hadda wax go’aan ah oo ay ka gaadhay aan la haynin.
shirkada Total oo muddo saddex sannadood ah xukuumaddii Somaliland u
ogolaatay inay cashuur dhaaf kula soo degto wixii shidaal ay dalka
keenayso ee ay ku iibinayso, taas oo ay ugu talo galeen ama ku macneeyeen
inay tahay kabis lagu kabayo shirkada Total oo sheegtay inuu khasaare kaga
dhacay shidaalkii la yidhi qiimaha jaban ku iibi, saddexdaas sannadood oo
ah muddadii u dhaxaysa 1998-kii markii ay timid ilaa bishii June ee
sannadkii 2000, iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin muddadaa, isla
markaana waxay shirkada Total qaadan jirtay wixii cashuur ah ee ku waajiba
shidaalada ay keenaan shirkadaha kale ee soo dejiya shidaalka iyo weliba
kirada haamaha.
Hase yeeshee intii ka dambaysay waqtigaasi xukuumadda Somaliland kalama
wareegin qabashadii cashuurta, waxaanay shirkada Total cashuurta shidaalka
u qabata wasaarada maaliyada Somaliland, iyada oo tan iyo intii lagu
wareejiyey maamulka haamaha shidaalka Berbera qaadatana lacag dulsaar ah
oo ay u goosato lacagtii ay sheegtay inay ku dayactirtay haamaha ayaa waxa
dawladda Somaliland kaga maqan lacag cashuurtii shidaalka ah oo ay qabatay
muddadii u dhaxaysay 5/4/2000 – 31/6/2003, lacagtaas oo isu geynteedu
noqonayso $4667.258.16 (afar milyan lix boqol todoba iyo lixdan kun laba
boqol iyo sideed iyo lix iyo toban senti). Sida ku cad warqad warbixin ah
oo ku taariikhaysan 21/7/2003 sumadeeduna tahay w/m/02/05-5/636/2003, taas
oo ka soo baxday xafiiska agaasimaha kastamada kuna socota wasiirka
maaliyada, ujeedadeeduna tahay qodobada lagala hadlayo shirkada Total.
Waxaanu agaasimuhu ku wargeliyey wasiirka maaliyadda inuu kala hadlo
shirkada Total oo uu markaasi dalka imanayey gudoomiyaheedu qodobo ay ka
mid yihiin maalgelinta laga soo bilaabo sannadkii 1998-kii, isaga oo xusay
inaanay la hayn xadiga lacagta ay shirkada Total ku dayactirtay haamaha
Berbera inta ay dhantahay.
Agaasimuhu waxa kale oo uu qoraalkiisan ku sheegay inay tiraba shan jeer
weydiisteen shirkada Total inay u soo gudbiso documents-ka maalgelinta oo
dhamaystiran, balse aanay ilaa waqtigaa qoraalka uu qoray aanu wax jawaab
ah ka helin maamulayaasha shirkada Total.
Agaasimuhu isaga oo ka waramaya dayactirka ay shirkada Total ku samaysay
Oil Jetty-ga waxa uu yidhi. “Waxa jirtay in madaxweynihii hore markaanu
siinay warbixinta xaalada Oil Jetty uu ku amray inay deg deg u dayactiraan,
taas oo ay noo sheegeen inay ku baxday lacag dhan US$ 262497, iyana waxa
kale oo jirta bishii April 2003, inuu madaxweynuhu ogolaaday dayactirka
labada gacmood ee maraakiibta shidaalka ka soo nuuga kaas oo dhan
US$68000”.
Agaasimuhu waxa kale oo uu warbixintiisan ku xusay lacagaha lagu leeyahay
shirkada Total, waxaanu yidhi. “Taxes, fees arrears-ka lagu leeyahay
muddada from April 1999 -10 June 2000.
Unpaid duties/Taxes
Petrol 2,129.412m3 X $ 33.066= $70,411.137
Diesel 4,363.186M3 X $26.598= $116, 052.021
Jet A1 10,428.180M3 X $ 11.749= $122, 520.686
Sub Total: $ 308,983,844
Initial Capital Registration Tax = $35000
Total: $343,983, 844” Top
Majeerteenya Oo Joojisay Siminaar Garoowe Uga Furmi lahaa
Suxufiyiin Ka Socda Soomaaliya Iyo Somaliland |
Garoowe, April 4, 2006 (Haatuf) –
Majeerteenya ayaa joojisay siminaar Garoowe uga furmi lahaa suxufiyiin ka
kala socday Majeerteenya, Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.
Sidaana waxa sheegay Agaasimaha guud ee waaxda Warfaafinta Puntland,
magaciisana la yidhaahdo Saleebaan Siciid Nuur oo dorraad shir jaraa’id ku
qabtay Garoowe, waxaanu intaas ku daray in siminaarkan oo ay soo
qabanqaabisay hay’adda NOVIB uu qorshuhu ahaa in maanta (4/4/2006) ka
furmo Garoowe, balse ay joojiyeen kadib markii hay’adda NOVIB aanay ruqsad
ka qaadan maamul-goboleedkaasi, isla markaana ay doonaysay buu yidhi inay
siminaarkaas si qarsoodi ah u qabato.
“Waxaan waraaq joojin ah u dirnay xafiiska Nairobi ee NOVIB, waxaananu u
sheegnay inaanay furi karin wax tababar ah, shaqaalaha ka joogana inay si
degdeg ah ugala baxaan Puntland, inta badana waxa dhacda in marar badan
aanu ka war helno siminaaro ay BBC-da ama hay’ado kale ay tuugo ah u
qabanayaan, laakiin wixii hadda ka dambeeya lala xisaabtami doono
hay’adaha caynkaas sameeya,” ayuu yidhi Saleebaan Siciid.
Sida la sheegay arrintan ayaa ku soo beegan xili ay Garoowe gaadheen qaar
ka mid ah ka qayb-galayaasha siminaarkaasi, kuwaas oo kala metalaya
koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland oo loola macaamilayo gobol ka mid ah
Soomaaliya, waxaanay suxufiyiintaas qaarkood ku doodeen inay ku soo
luggo’een oo aanay hay’adda NOVIB weli ka helin kharashkii ay ku yimaadeen
Garoowe.
Siminaarkan ayaa qorshihiisu ahaa inay ka qayb-galaan suxufiyiin ka socday
dhinaca Somaliland iyadoo aanay caddayn kuwa ay ahaayeen, balse waxa la
sheegay inay suxufiyiintaas Somaliland ka socotaa ay kaga qayb-geli
lahaayeen siminaarka gobol ka mid ah Soomaaliya, arrintaas oo muddooyinkan
dambeba soo noqnoqonaysay, iyadoo siminaaro noocan oo kale ah hore loogu
qabtay Hargeysa, isla markaana ay ka soo qayb-galeen suxufiyiin ka socotay
Majeerteenya iyo Soomaaliya. Sidoo kalena marar badan ayay Suxufiyiin ka
socota dhinaca Somaliland ka qayb-galeen Siminaaro lagu qabtay
Majeerteenya iyo Koonfurta Soomaaliyaba.
Top
Halkani waa Ma qaloocshe oo aydin ka
dhegaysataan mawjadaha kaftan ruuga iyo ilaaq dhuubka. Akhyaartayada
indhaha dhuudhuubanow waxaynu soo gaadhnay xiligii aan soo godli jiray
wararka waxaana maanta u haaneedi doona weriye Mr.
Warkii oo kambadhuudha
Madaxyuubka Shankaroonland ayaa kaahinkii hore ee doraad u kallahay xagaa
iyo dalkii Kalluunka naga xadi jiray ee Yemen, kadib markii casuumad
Cabdalle Saalax soo diray in internetka loogu soo dhiibay, waxaana la
sheegay Madaxyuubkii in lagu sii dhex ridday dayuurad gaar ah oo isaga iyo
weftigiisaba lagu sii ururiyay, walow aan weriye raacay jirin, haddana
waxa la soo sheegay in shil la’aan tuulada Sanca lagu shubay, balse wax
shanqadh ah oo kale lagama soo sheegin.
Madaxyuubku markuu sii luudayay in yar oo uu ka tibix siiyay ayaa ahayd
“insha Allaahu martiqaad rasmi ah ayaanu ku tegaynaa bay ahayd, waxaana ka
wada hadli doonaa xidhiidhadayada oo kali ahaato.”
Madaxyuubku markii Yemen looga yeedhay wuxuu sababo saamaxay sagaal huudhi
oo lagu qabtay xatooyo kalluun. Madaxyuubku waxa kale oo uu xaal ka
bixiyay nabar gardaro oo xukuumadiisa maalin dhoweyd ka siibtay, kaas oo
go’aan golaha baarlamaanku gaadhay ay ku sheegeen inay goluhu maqluubta u
fuuleen shaqada, hadalkaas oo mid wasiir ahi alle ka keenay, kaas oo
goluhuna giir iska kiciyay ayaa waxay ku qaboobeen Madaxyuubku markuu
yidhi; “Wasiirka warkaas shaydaan baa ka keenay ee xaal qaata, insha
Allaahu shaqadana waynu kala soocani doonaa.”
Si kasta ha ahaatee booqashadani waxay ku soo beegantay tii oo dawladii
Yemen la odhan jriay noqotay bahal wallaweyn la-gal ah oo cunta hambada
Imbagaati ku meel-gaadhka ah ee dawladda ku-meel-gaadhka ah, taas oo
Shankaroontan agteedana indhaha ka lalisa, isla markaana waxay aad ugu
naslaysaa dagaal oogayaasha Bay fadhiya iyo qolada reer Boosaaso oo uu ka
dhexeeyo xidhiidh wanaagsan ee ah dad ku bakhtiinta badda dhexdeeda.
Mashruucaas oo Yemeni Puntland ku tidhi dad aanu gumaysano oo dumar u
badan noo soo ururiya, kuwaas oo badhna xeebta xaga Yemen lagu bakhtiiyo,
kuwana jaxiima meel la yidhaahdo lagu silciyo, markaan is-idhi maxay
Yemeni ka dheeftaa dadkan badooda ku dhimanaya, waxa la igu yidhi
‘kalluunka ayaa ku soo bata meesha dadku ku dhinto ee uu hillibka dadka ku
dhadhansado’.
Haddaba, safarkan madaxyuubku Sanca ku tegay ayaa waxa lagu sheegay in
iskaashiga kor loo qaadayo, inkasta oo aaanan ogeyn wax iskaashi ah oo ay
hore u wada lahaan jireen Shankaroonta iyo Yemeni, balse xidhiidhka ka
dhexeeyay oo ahaa kii kalluun xadista hadaan ka la xoojinayaa kaaba inuu
yahay laga yaabo, waxa la sheegay in dib loo noolaynayo heshiisyo uu la
dhintay Madaxweynihii geeriyooday ee Shankaroonta oo uu la saxeexday Cali
Cabdalle intaanu sidan u ilbixin. Heshiisyadaas oon halkii lagu qoray
cidiba ka soo qaadin ayaa waxa lagu xusuustay huudhyidii tuugta ahaa ee
dhowaan Shankaroontu qabqabatay, kuwaas oo Yementu idaacadaheeda ka lahayd
budhcad badeed ayaa doonyo naga afduubtay, iyada oo is-yeelyeelaysa waxay
badda Shankaroonta ka kireysatay xarfaanta reer Bari, kuwaas oo malaha ku
yidhi; ‘baxru bilaash, bilaadu Soomaal fiina, foosul majeerteen’.
Xukuumadda Yemen oo sidii wallaweyn ah ayaa waxay NGO ku wada shuraakoobay
Puntland, waxaanay u shuraakoobeen kalluunka badda reer Shankaroon,
Madaxyuubka oo malaha ay Yementu ugu yeedhayso doonyaha kalluunkiisa
xadi-doona inaanu isku taataabanin hadhow markay baddiisa soo galaan, kaas
oo aan u malaynayo inay ula macaamili doonaan sidii Badhasaab gobol
Soomaaliya ka mid ah ka taliya oo kale, kuwaas oo TV-yadii Yementa iyo
xukuumadii Yementa ee aadka ugu boodboodi jiray markay hogaamiye
kooxeedyadu booqashada ugu tagaan ilaa shalay mar qudha lama arag iyaga oo
sheegsheegaya in madaxyuubkii Shankaroontu soo booqday, waxaanan kaba baqe
qabaa in ay kaba seexdaan oo ay odayga cidna martigelin weydo.
Inkasta oo uu sii kaxaystay dhowr nin oo af-carbeedka daadiyay, haddana
waxa la sheegayay in aanay ahayn kuwo Yemen yaqaan ah, balse ay carab
yaqaan yihiin oo ay ku hadlayaan kalaamul kitaab. Walow dalkan Yementu iyo
Shankaroontu ay iska shabahaan arrimo ay ka mid yihiin qayilaadda iyo
qabyaalada, qoryaha iyo qaanacnimada, bartaas oo markii Cadani caadiga
ahayd hargaha lagu heshiis ahaa. Balse intii Sancaaniyiintu Cadan legeday
ee Cali Cabdalle dhakada ka fuulay ayaa Yemeni waxay noqotay carab caato
legeday oo sidii qabiil laan dheere ah oo qolo qabsaday, kuwaas oo reer
Cadmeedkii xoriyadaba kaga horeeyay sidii reer Xamarka oo kale ku yidhi
waa la iskama kacaan, lama kala go’aan, annagaa idin xukumayna, caasimadda
leh, madaxweynaha leh, kaas oo Cali Cabdalle Saalax kaba xanaaqo cid baa
gooni isu taagtay, dal baa xoriyadiisii la soo noqonaya, waxa ka
xishoonayaa haddii uu Shankaroon sheegsheego wuxuu isleeyahay reer
Cadmeedkii baa ku xusuusan doona, sidaas awgeed wuxuu ku dhegan yahay
Soomaaliya ma kala go’I karto. Ninka sidaa qaba sabab ay Shankaroonta
isugu keenayaan anigu maba garanayee waxaynu dhawri doonaa madaxyuubku
xaaladuu kala kulmo, haddii citiraaf laga codsan lahaa Cali Cabdallow
waxaad tahayba mid isaguba citiraaf dayday ah, waxaanu rabbaa baa la yidhi
‘ in loo aqoonsado dilaalka ku-meel-gaadhka ah ee dawladda Soomaaliya’
waxaanu ku doodayaa oo daliishanayaa oo uu leeyahay mar waxaan ahay dal
muslim ah, marna waxaan ahay dal carab ah, marna Soomaaliya jaar baanu
nahay, marna qaxooti Soomaaliyeed ayaan hayaa, marna Cabdillaahi Yuusuf
iyo Shariif Xasan baanu heshiinay, intaas oo sababood awgood hala ii
aqoonsado “a big broker of the Somalia”, waayo anigaa Carab ka soo iibin
oo Eeshiya ka iibin oo umaamul mutaxidka u sheegi oo argagixisaa ka
kaashan oo anigaa Itoobiya iga raali tahay, markaa halkii Ismaaciil Cumar
Geelle dawladii Carta ugu jiray aan galee i aqoonsada.
Haddaba iyada oo intaasiba runtii tahay oo uu xaqbau leeyahay, waxaase la
ogyahay in Cali Cabdalle Saalax kubaddaas inaanu isagu soo dhisin ee loo
dhiibtay oo Mala Sanaawi ku yidhi: “Ii dhali adigaa Muslim ahe”, markaa
Geelle isagaa gaarkiisa u ciyaarayaye Saalax naadiga Itoobiya ayuu u
ciyaarayaa.
Raxmaadkii Gu’
Daruuro lagu doogsaday ayaa ka darooray degaano ka mid ah dalkan
Shankaroonta oo abnacda abaartu indhaha ka ridday. Inkasta oo aan
raxmadaasi dalka wada doojin intuu biyo qubay oo guryaha galbeedku u
badnayd waxaa loogu liibaanay si laxaadle.
Markaan isu tiriyay hadh iyo habenba tuskani wuxuu horaan hoor u yahay
cirkii gu’nimo. Inkasta oo godka nawda naqa anigu aan islahaa waa afar iyo
tobnaadka dayaxan dirir sagaalka ama lix iyo tobanka Abril, balse dadka
qaar ayaa filaya inuu sidaaba ku sii di’i doono, marka Alle shubayana ka
madawbaa badiya.
Gabay
Sidii baarlamaan la badawsanyoo
Wasiir bidhbidh lihi usoo bu’ayoo
Baayaanka golaa kasoo baxayana
Badheedh ugu sheegay been qoranoo
Anoon kuba baadhan igu booddee
Basraay ina adeer badraansanidaa
Malaa bixisaa ku baal saartoo
Wasiir baqayaa buufinayee
Burutu kool la tilmaamo uma baahniyo
Banbaani xilkaagan balanbalay.
Sidii daahir baad u duushay sancee
Duulkaa ma taqaanid diintoodee
Darkuu wallaweynta daajinayee
Dawladii xamaruu dilaali Oogaa
Biluu dibjir kuu maleeyaa
Damiirka callee dadaalka wadiyo
Dalkeena ma xeersho derisnimadoo
Dantiisu ma taal duleedkeenoo
Dirkaa mudug waa ka dookh xunyahoo
Dagaal Oogu la daaqi jiree
Ninkii demman waa la dala’sanayaa
Armuu doqon kuu maleeyaa.
Geyiga horumarin u heensaystiyo
Ninkaa hebel heelladuu tumayaa
Malaa huunno waaba kala haab.
Sidii buuntland bilaash duushooy
Sidii bisad waalan boob jeceleey
Xuduud beleed yartaa la baflaay
Balook dalkaleeto baadhanaysaay
Adoo bah qudhiyo bilaale yar baad
Dalkaa badan eed usoo bu’aysiyo
Maxaa bowdarkiisa kaa galay
Bahalyey hungurootay waad balashee
Badraanad hinaastay baad tahay
Ado buufisoo bidhiidhad yaroo
Bawdiyo weli yeelan buruc weyn baad
Batrool la qotiyo balwado maqashee
waxyey booliga ku buuraataa
Kuwii beenta kula bashaaqin jiray
Boolatiiga kuwaaad ka bawsan jirtaa
Bohol kugu riixay bayooy
Bal may basar kuu tilmaaamaan
Balaayo hadaad u baahan tahoo
Bogaagu jeclaaday beelo jaboo
Bililiqada oo gaadha barrigaa
Hadaad u bugto bud kugu dhaca
Kolay derisnimadii balanbalisee
Jaarkii baxsanaana baaburisee
Inoo bilaw baabka waalida
Masuulka amaanta looma miyee
Tiifii magaceena muujinayoo
Mirqaanka dalkeena meel mariyoo
Mateerna…..mateerna…..mateerna
Sidii mansabkii macaanaa …
Macaanaa Madaxweynanimadu.
Xareed la qanyali xujey noqotee
Xukuumad bagaashka xiisaysoo
Xabsiga ku ilawday xaalkiisa
Xikmada laga sheegay xalaytadan
Xukuumada waa la xaasidayee
Sidii xanjo aan xayeysiiyee
Xukunkiyo xareeda laqanyada
Xisbigeeniyo eega xoolaha
Xaruurka ilkaha lasoo xardhadiyo
Xaafadeeniyo daawo xaragada
Top
Qof Ku Dhintay
Laba Gaadhi Isku Duqeeyeen Oo Ka
Dhacay Gudaha Magaalada Hargeysa |
Hargeysa, April 4, 2006 (Haatuf) – Illaahay ha u naxariistee marxuum
magaciisa la odhan jiray Cabdi Case ayaa geeriyooday, kadib markii shalay
subaxnimadii hore ay laba gaadhi isku duqeeyeen wadada laamiga ah ee
hormarta Wasaaarada Xanaanada Xoolaha ee magaalada Hargeysa.
Labadan gaadhi oo noocoodu yahay Nissan UD ama loo yaqaan shaamboo xayraan,
oo xawaare xawli ah ku socday ayaa isku dhacay iyadoo midkood ka yimi
dhinaca galbeed isagoo sidday qaad, halka ka kale oo ahaa baabuur
iska-rogooyinka dhagaxa iyo ciidda gura uu ka yimi dhinaca koonfureed
isagoo waqtigaa madhnaa oo aan waxba siddan.
Marxuumka dhintay ayaa isagu saarnaa gaadhiga iska-rogada ah dusheeda sare,
waxaanu ka soo dhacay gaadhi dushiisa markii ay labada gaadhi isku dhaceen,
kadibna markiiba marxuumkaasi ay naftu kaga baxday.
Sidoo kale waxaa dhaawacyo fudud ka soo gaadhay wadihii iyo nin la socday
gaadhiga Jaadka sidday oo lambarkiisu ahaa 19947. Hase yeeshee wadihii
gaadhiga iska-rogada ah oo lambarkiisu ahaa SL 14316 ayaan isaga wax
dhaawac ahi soo gaadhin. Shilkan gaadhi ayaa waxa kale oo khasaare uu u
geystay xaydaabka Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo qayb ka mid ahi duntay,
kadib markii labada gaadhi mid duqeeyay deyrka wasaarada.
Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ayaa gacanta ku haya sababtii keentay
shilkaas. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Xafiiska Gudidda Imtixaanadu
Ma Ingiriiskuu Ku Yaallaa? Waa Yaab!
Mustafe Aden Nuur. |
"Hadaad ku dhacdo Xisaabta iyo Ingiriisida
ama aad keento Grade C waad hadhay, guud ahaan imtixaankaagii oo dhan.
Markaa aad baan u war warsanahay” sidaa waxa igu yidhi arday ka mid ah
ardayda Dugsiyada Sare ka baxaysa sannadkan (Form Four), ee Hargeysa.
Markaan waydiiyey sababta ay laba maado oo keliya darajoodu u saamaynayso
guud ahaan maadooyinka kale wuxuu i tusay koox waraaqo ah, oo labada
dhanba ay wax kaga qoran yihiin. Markuu ardaygii ii ogolaaday in aan
akhriyi karo waxaan arkay kooxdaa waraaqaha ah oo ku qornayd afka qalaad
ee la yidhaahdo (Ingiriisida), waxa aan u fahmay markii aan muur muuriyey
si ka duwan sida ardaygani wax u fahmay, arrintuna aanay sidaa u sii
ridnayn. Halkan koley ugama jeedo in aan macneeyo qoraaladaa balse ciddii
danaynaysaa way raadsan kartaa, waxaanse ujeedaa maxaa keenay faham darada
ardaygan ku dhacday
Ka bacdi annigoo aad uga argagaxsan werwerka ardaygaa yar haystay waxaan
is weydiiyey su’aalahan:
1. Ma dhaqaale la’aan baa keentay in page-kasta labadiisa dhan wax ku
qornaadaan, mar haddii aanay buug ahayn balse uu yahay qoraal xambaarsan
wax ka bedel imtixaan oo kaliya?
2. Mar haddii qoraalkani gudbinayo wax ka bedel lagu sameeyey habkii hore
ee imtixaanada loo qaadi jirey, isla markaa faham buuxa laga rabo ardayda
qoraalku ku socdo. Imtixaankiisana uu saamayn ku yeelanayo, faham
la’aantiisa, maxaa keenay in lagu qoro luqada afka Ingiriisida? Taasoo aan
kalsooni badan laga qabin sida ay ardayda dugsiyadu ku yihiin luqadan
ingiriisida.
Haddaba, miyaan laga qurux badnayn in qaladaadka ka soo bixi doona fahamka
habka imtixaanka loo gelayo ay sabab u noqoto arrintani, waxaase wax aad
looga yaabo ah goormay kalsoonidan Wasaaradda iyo Gudidu ka heleen heerka
ay maadada Ingiriisidu ka taagan tahay dugsiyada Dawliga ah, miyaanay
ogayn in ay tahay maadada ugu liidata qaabka looga dhigo dugsiyada sare ee
Dawliga ah. Waxaynu ognahay in ay jiraan arday dedaashay oo wakhtiguna u
saamaxay in ay dugsiyada gaarka loo leeyahay ka korodhsadaan luqada
Ingiriisida oo la hubo in ay ka dhisan yihiin dhinacaa balse maxaa laysaga
indha tirayaa in ay jiraan arday aan awoodin meelaha gaarka loo leeyahay
ee laga korodhsado luqadan Ingiriisida waxa la hubaa in ay luqadani tahay
luqad caalamiya oo laysku af garto. Markase xaaladan aan ka hadlayo oo
kale jirto isla markaa ardaydeena loo soo gudbinayo is bedel iyo shuruuc
imtixaan shahadiya maxaa looga baahan yahay luqad caalamiya, oo aanay u
dhalan? Waxa laga yaabaa in aanay dad badan ku cuslayn arrintani gaar
ahaan kooxaha siyaasada iyo hunguriga u cuskada danahooda, xataa Distoorka
qodobo ka mid ah.
Haddaba, anna tani sidaa oo kale ayey iila culustahay, oo waxaan leeyahay
mar hadaanay ahayn manhajka dugsiyada sare laysla qaatay in lagu dhigto
luqada Ingiriisida, balse ay tahay ama uu yahay qoraal ka kooban tilmaamo,
tusaalayaal, tusmooyin iyo digniino ku waajahan sida imtixaankan dugsiyada
sare u fadhiisan doonaan kaga duwan yahay imtixaanadii ay galeen lodadkii
ka horeeyey, baahi luqad kale loo qabo in lagu gudbiyaana aanay jirin,
markaa waxa la jebiyey Qodobka 6aad ee Distoorka kaasoo farqadiisa koowaad
odhanayso; Afka rasmiga ah ee dalkani waa Af Somali Farqada labaadna waxay
odhanaysaa afafka kale waxaa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.
Muxuu qodobkani ula waynaan waayey kuwa aynu isla garanayno ee ku
yooyootama xilalka Umadda iyo Hantida dadka.
Arday ka mid ah ardayda ay khusaysay qoraaladani oo ardaygaan la kulmay ii
sheegay ayaa su’aal waydiiyey gudidan oo ku yidhi: maxaad Af Somali ugu
qori waydeen wax ka bedelkan? Waxa mid ka mida gudidu ugu jawaabay si aad
u dhiiran:”Aduunyadoo dhami luqadan ayey isku af garataa” balse waxa uu
iloobay ninkaasi in aynu leenayahay luqad aynu isku af garano. Gudidu way
dedaaleen oo markay qoraaladan dugsiyada soo gaadhsiiyeen dib ayay ugu
macneeyeen ardayda !!!!!!! waad iska garan kartaa wakhtiga iyo tamarta,
hadana gashay in ay dib u macneeyaan qoraaladan halkaana su’aasha ku
haboon is weydii adigu ???
Waxaynu nahay dal yar oo soo koraya aadna faqiir u aga ah dhaqaale iyo
aqoonba, hantideena ugu muhiimsanina maanta waa dadka. Taasoo ay xudun u
tahay dhalinteena soo koreysa ee dugsiyada iyo jaamacadaha ku jira.
Haddaba, miyaanay ka mudnayn meel kasta in iyaga iyo horumarintooda loo
fekero oo dhidid iyo dhaqaaleba lagu bixiyo.
Bal u fiirso akhrite tusaalahan yar ee ku saabsan qiimaha ay leedahay in
la hello dad tayo waxbarasho leh, oo ks soo baxa dal iyadoo aanay ku
xidhnayn in dalku qani yahay iyo inuu faqiir yahay.
Miisaaniyada Dalka (Britian) oo aad ogtihiin awooda aqooneed ee uu
leeyahay hadana sanad kasta waxbarashada ayaa ugu mudan. Wuxuu yidhi ninka
ugu sareeya maaliyada dalka Britian ee la yidhaahdo Gordon Brown mar uu
odoroska miisaniyad sanadeedka dalkaasi ka hor akhriyey aqalka odayaasha
iyo barlamaanka (House of Commons), isagoo ugu hormariyey kor u qaadista
waxbarashada ayaa waxa uu sheegay in uu shaqaalaysiin doono (3000) oo
macalin oo sayniska dhiga.
Waxa kale oo uu ballan qaaday in la abuurayo wax la yidhaa (Second Chance
in Education) kaas oo loogu talogaly dadka da’doodu tahay ilaa 25 jir in
ay helaan waxbarasho. Isla markaa bilaash ah ( free of charge) dabadeedna
looga faa’iidaysto in ay kasoo dhex baxaan dad heer aqooneed oo sare leh
(A levels) wuxuu yidhi tani waxay taageero iyo badhitaar (back up) siin
doontaa dadka waaweyn (Adult) in ay helaan aqoon fiican. Waxa kale oo uu
ku xusay soo jeedinta Odoroskiisa oo aynaan halkan ku soo koobi karin in
maal gelinta waxbarashadu shanta sanno ay kor u kacday 5.6 bilyan ilaa 8
bilyan oo giniga Ingiriiska ah sanadkiiba.
Waxa laga yaabaa in aad akhriste is waydiiso: oo muxuu qoraha aragtidani
iska keen garab dhigayaa innaga iyo Dawlada quwada aan aragnay leh.
Xaasha’e ujeedadaydu sidaa maaha balse waa inaynu dareeno xilka
waxbarashada layska saarayaa inta ay leeg yahay. Innaga oo dedaalkaa mid
ka badan laynaga rabana waad ogtihiin miisaaniyada Wasaaradeena
waxbarashada in ay ka mid tahay Wasaaraddaha ugu miisaaniyadaha yar,
hadaan ku xasuusiyana waa $1,745,866, taasoo sida aan kasoo xigtay Cali
Maarshaal oo wax ka qora miisaaniyadaha dalka sanad walba uu xusay dhawaan
in baabuurta la yidhaa (Land Cruiser) ee lagu tamashleeyo lacagta ku
baxdaa ay ku dhawdahay miisaaniyada waxbarashada dalka, taasoo dhan $
1,427,353 oo u dhiganta (4.33%) miisaaniyada dalka.
Waxa aad moodaa in aan in yar yara taraaray, waxayse gunta aragtidaydu
tahay, nin la yidhi nacas buu ahaa ayaa lagu yidhi (Waar maxaad la
ooyeysaa markaasuu ku jawaabay anniga oo marka horeba ooyayey ayey waylina
igu joogsatay)
Haddaba, sida ay wax u socdaan wakhtigan jooga waxay aas aas iyo sal u
tahay waxa soo bixi doona mustaqbalka ( Future performance dependson
present planning), sidan haday wax u sii socdaana waa wax iska cad
dhaxalkeedu.
Waxaan soo jeedin lahaa in Dalwaddu sidan u dhaanto dugsiyada dawliga ah
iyo macalimiintooda, Wasaaradda Waxbarashada iyo masuuliyiinta kale ee
dalkuba Umadooda haw tudhaanoo ujeedada masuuliyad ha fahmaan. Ilaahow waa
taada.
Mustafe Aaden Nuur Top
|