Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1118 Jan.30, 2006

“Kuwa Taageera Soomaali-weynta waxaan kula taliyey In Muqdisho Wax Ka Barato Hargeysa balse dheg-jalaq u maysiin”
Prof. Ali Mazrui

Masuuliyiin Ka Socota Majeerteenya Oo Fadqalalo Ka
Abuuray Shirkii Badhan Uga Socday Beesha Bariga Sanaag

Bileyska Ilaalada Hay’adaha Oo Ka Gadooday Gunooyin
UNDP-na Ka Yimid Iyagana Aan Soo Gaadhin

Xukuumadda C/Laahi Yuusuf Oo Bilawday Inay Shilin Somaligii
Dhowaan La Soo Daabacay Qaybiso

Shirgudoonka Wakiilada Iyo Koox Salaadiin Ah Oo Shalay
Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Yeeshay Xarunta
Golaha Wakiilada

Siminaar Shaqaalaha Macdanta Iyo Biyaha Uga Furmay Burco

Wafdi Guurtida Ka Tirsan Oo Dib Uga Soo Laabtay Booqasho
Ay Ku Tegi Lahaayeen Saylac

Golaha Degaanka Boorama Oo Ku Hawllan qabanqaabada
Shir Aan Caadi Ahayn Oo Lagu Rido Maayarka Magaaladaasi

“Khal Khal Gelinta Nabad Gelyada Somaliland Iyo Xaalad
Abuurka Ay Xukuumaddu Waddo”
Warsaxafadeed: Eng. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi),
Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee Xisbiga Kulmiye

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Haddii Taliyihii Nabadgelyada Awdal Dadka Dhacayo, Maxaa Ku Xigi Kara?

 

 

 

 

 

 

 


“Kuwa Taageera Soomaali-weynta waxaan kula taliyey In
Muqdisho Wax Ka Barato Hargeysa balse dheg-jalaq u maysiin”
Prof. Ali Mazrui

“Qarniyadan Lama Arag Somali Itoobiya Ugu Calool-Fayow
Sida Ay Reer Somaliland Maanta Niyad-Samida Ugu Hayaan”
“Kuwa Taageera Soomaali-weynta waxaan kula taliyey In Muqdisho Wax Ka Barato Hargeysa balse dheg-jalaq u maysiin”
Prof. Ali Mazrui


Hargeysa, May 30, 2006 (Haatuf) – Professor Cali Mazruuci oo ah Aqoonyahan u dhashay dalka Kenya ayaa qoraal uu dhowaan soo saaray kaga sheekeeyey booqashadii bishii March, 2006 uu ku yimid Somalilnd, kaasi oo uu kaga waramay waxyaabihii uu kala kulmay Somaliland iyo aragtida uu ka qaatay.

Waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa waxyaabihii uu kaga sheekeeyey Masruuci qoraalkaa oo aanu soo koobnay, waxaanu yidhi “Muddo laba sannadood ah ayay reer Somaliland isku dayayeen inaan soo booqdo geyigooda qaybta ay kaga aadan-yihiin Somali-weyn. Hase yeeshee sanadkii 2005-tii ayaan go’aansaday in aan tago, gaar ahaan ka dib markii uu booqday madaxweynihii hore ee dalka Zambia Kenneth Kaunda, sidaas darteed, waxaan bishii March, 2006 booqasho ku tegay Hargeysa, waxa igu noqday filan-waa Paratakoolka heerka sare ahaa ee la igu qaabiley oo waxa madaarka igaga horyimid Afar Wasiir oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibada Edna Aadan Ismaaciil, iyada oo la iigu talo-galay in aan ka khudbadeeyo Aqalka Baarlamaanka maalintii labaad ee socdaalkayga oo aan Duhurnimadana la qadeeyo madaxweynaha dalka Daahir Rayaale Kaahin.

Dhinaca horumarka Dumarka, waxaan aad ugu farxay in wasiirka arrimaha dibada Somaliland ay tahay Haweenay, taas oo dawlada Maraykanka ku qaadatay inay ka hirgasho muddo 200 sannadood ah, markii cahdigii madaxweyne Clinton ee Haweenayda la yidhaa Madeleine Albright ay noqotay wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka.

Edna Aadan Ismaaciil waxay si fiican ugu hadashaa Afar Luuqadood oo kala ah; English, France, Arabi iyo Afkeeda Hooyo ee Somaliga. Marka ay firaaqo heshana waxa ay ka shaqaysaa cusbitaalkeeda Dumarka, taas oo ahayd arrin loo khushuuco. Hase yeeshee Dumarka ku jira Baarlamaanka ayaa ah mid faro-ku-tiris ah, waxaanan ka fursan-waayey in aan ku guubaabiyo Baarlamaanka iyo Madaxweynahaba inay la yimaadaan Talaabooyin wax-ku-ool ah oo ku waajahan dhinaca Haweenka oo ay kaga dayan karaan dalalka Afrika iyo dunida Muslimkuba.

Laba muxaadaro oon ka jeediyey Baarlamaanka iyo Jaamacada Hargeysa waxaan kaga hadlay Dawlado kala go’ay oo markii dambe noqday Laba Dal oo kala gedisan, sida Senegal iyo Mali, Pakistan iyo Bangladesh, Check Republic iyo Slovak Republic, Malaysia iyo Singapore.
Waxa kale oo aan kala dooday magaca ay qaateen oo ah Somaliland Republic, inkasta oo ay haysan karaan magacooda soo jireenka ah ee Somaliland, hadana kelmada Land waa mid Af-Ingiriisi ah oo leh dhadhan gumeysi. Waxa kale oo ay la bixi karaan The Republic of Somaliya ama waxay qaadan karaan The Republic of Somalistan.

Waxaan Hargeysa kula kulmay kooxo Aqoonyahano ah, waxaana na dhexmaray dood ku saabsan mawduuca (Isku-dhaca Xadaraadaha) iyo in isku-dhacaasi saamayn ku leeyahay dadka Somalida ah.

Waxaan tegay magaalada Berbera. Dekeda Berbera marka la gaadhsiiyo heer ay si buuxda u shaqayso waxay noqon doontaa mid si weyn wax u tarta Somaliland iyo weliba Itoobiya. Qarniyadan lama arag Somali Itoobiya ugu calool-fayow sida ay reer Somaliland ay maanta yihiin ee ay Itoobiya ugu hayaan niyad-samida saaxiibtinimo. intii aan Somaliland ka soo laabtay waxa igu soo dhacayey E-mails ay soo direen kuwa taageera midnimada Soomaali-weyn, waxaanay igu cambaareeyeen in aan gacan siiyey kala go’ iyo qabyaalad.

Aniga oo ka jawaabaya fariimahaas mid ka mid ah, waxaan si taxadir leh u idhi kol hadii Hargeysi nabdoon tahay, Muqdishana wali colaadi ka taagan tahay, miyaanay idinla ahayn in Muqdisho Hargeysa wax ka barato?
Nasiib darro-se, dheg looma dhigin taladaydaa, balse waxaaba loo qaatay digasho.

Top


Masuuliyiin Ka Socota Majeerteenya Oo Fadqalalo Ka
Abuuray Shirkii Badhan Uga Socday Beesha Bariga Sanaag

Hargeysa, May 30, 2006 (Haatuf) – Shirkii Badhan uga socday Beesha Bariga Sanaag ee ay kaga arinsanayeen danaha guud ee Beeshooda, gaar ahaana dagaaladii dhowaanahan ka dhacay degaanka Mijayahan, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen Ciidamada Majeerteenya ayaa la sheegay in ay fad-qalalo ka abuureen koox wasiiro ah iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka Majeerteenya. Kooxdan Masuuliyiinta ah ee ka socota Majeerteenya oo u dhashay beesha bariga Sanaag, waxa la sheegay inay soo gaadheen madasha shirka dhowrkii cisho ee u dambeeyey, ka dib markii uu u ogolaaday Suldaanka Guud ee Beeshaasi Suld. Siciid Suld. C/salaan, taas oo sababtay in ay shirka saamayn ku yeelato, iyada oo ay dibada uga baxeen madax-dhaqmeedyo iyo u xubno ka tirsan beeshaasi oo ku suganaa madasha shirka, iyaga oo ka biyo-diiday hogaankii shirka oo ay la wareegeen siyaasiyiinta Puntland.

Sidaana waxa noo sheegay Ugaas Cali Shibiin (Maakhiri) oo aanu xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan degmada Badhan, waxaanu intaa ku daray inuu shirkii isku rogay mid aan loo dhamayn oo ay dibada uga baxeen madaq-dhaqmeedyo iyo waxgarad ka tirsan Beesha Bariga Sanaag. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Shirku waxa uu ahaa shir-dhaqameed ay kaga tashanaysay danta iyo degaanka Beesha mandaqada bariga Sanaag, shirkaas oo aan loo ogolayn arrimo siyaasadeed, waxa ujeedadiisii bedelay Suldaanka Guud ee Beesha Suld, Siciid Suld. C/salaan, waxaana yimi oo shirkii ka saami laga siiyey wasiiro, xubno baarlamaan ah iyo saraakiil sarsare oo ka socda maamulka Puntland.

Waxaanu Suldaanka ka dalbanay inuu shirka ka joojiyo nimankaas, nasiib daro-se waa uu naga diiday. Sidaas darteed, shirkii waxa ka baxay qabaa’ilka Dubeys, Aadan Siciid, Reer Faatax iyo Dir, iyada oo markii horeba shirka ay dibada ka joogeen labada qabiil ee War-labe iyo Reer Saalax. Sidaas awgeed, shirku maaha shir beesha Warsengeli leedahay”.

Mar la weydiiyey Ugaaska waxa uu ku cadaynayo inuu Suldaanka Beeshu burburiyey ama siyaasad soo dhexgeliyey, waxa uu yidhi “Waxaan ku cadaynayaa wuxuu u ogolaaday in ay madashii shirka soo dhex-fadhiistaan, isla markaana la wareegaan hogaamintii shirka.

Mar la weydiiyey Ugaaska waxa ay yeelayaan maadaama laga maroorsaday taladii, waxa uu yidhi “Sideed Isin ayaanu kaga baxnay shirka, waxaananu ku baaqnay in shir dambe beeshu iskugu timaado muddo 45 cisho gudahood ah, goobta lagu kulmi doono waxa soo astaynaya madax-dhaqameedyadan isku xidhan”.

Mar la weydiiyey in dadka shirka ku hadhay ee Suldaanka Guud ee Beeshu hormoodka u yahay iyo Maamulka Puntland ay shirka kaga wada hadli doonaan saami-qaybsiga macdanta degaanka Dhalan iyo Mijayahan, waxa uu yidhi waa la filayaa arrimahaas in shirka ay ku falan-qayn doonaan, laakiin weli wax war ah may soo saarin”.

Isaga oo ka hadlaya Ugaas Shibbin shirka dhaqaalihiisa cida bixisa, waxa uu yidhi “shirka dhaqaalihiisa waxa bixisa dhaqaalihiisa xukuumada Somaliland, waxayna soo marisaa Xawaaladaha, waxayna ku soo dhacdaa Suldaanka Guud ee Beesha, taasina waxay ka dhigaysaa in Suldaanka beeshu ka baxay balankii uu la galay Xukuumada Somaliland.

Waxa kale oo uu sheegay inay siyaasiyiinta iyo saraakiisha milater ee ka socda Maamul Goboleedka Puntland in ay yihiin xubno ka soo jeeda Beesha Warsengelii, iyaga oo wata ciidamo Majeerteen ah oo ku gaashaaman Lix Tikniko ah.

Sidoo kale, inay tahay wax lala yaabo in saraakiisha xukuumada Somaliland Beesha Bariga Sanaag ay xidhiidh joogta ah la leeyihiin Suldaanka beesha shirka mara-habaabiyey.

Dhinaca kale, weftigii xukuumada Somaliland u dirtay shirkaas oo ay hogaaminayso Xildhibaanad Baar ayaa shirka ka jooga, kuwaas oo qaylo-dhaan u soo diray dhinaca xukuumada.
 

Top


Bileyska Ilaalada Hay’adaha Oo Ka Gadooday Gunooyin
UNDP-na Ka Yimid Iyagana Aan Soo Gaadhin

Hargeysa, May 30, 2006 (Haatuf) – Koox ka mid ah Ciidamada Bileyska ee u xilsaaran Ilaalinta Hay’adaha Ajnabiga ee degan dalka Somaliland ayaa shalay abaara 11-kii Subaxnimo, iyaga oo gadoodsan socod ku yimid xarunta Golaha Wakiilada, halkaas oo ay cabasho soo gaadhsiiyeen shirgudoonka golaha, iyaga oo ka codsaday inay wax kala qabtaan gunooyin ka maqan oo ay qayb ka mid ah bixin jirtay hay’ada UNDP.

Nin u hadlay kooxda ciidanka ah ee gadoodsan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Axmed Cabdi ayaa sheegay in gunada ay qaataan oo dhan 300,000/- (Saddex Boqol oo kun oo shilin) aanay ku filnayn, isla markaana bilahan dambe wax laga siin siin jirey oo si nidaamsan aanay u soo gaadhi jirin, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaanu ka cabanaynaa gunooyinkii aanu qaadan jirnay ee aanu ka qaadan jirnay Hay’adaha Ajnabiga ah, ilaaladii baanu ahayn ajaanibka, tii baanu leenahay oo marba sida la doono lanaloola hadlayaa, waanu qaadan kari la’nahay oo aanu heli kari la’nahay”.

Mar la weydiiyey cida qaadata waxa uu yidhi “Ma garanayno cida qaadatay, kolayse waa wasaarada aanu ka tirsanahay uun”.

Mar la weydiiyey cabashadooda inay u bandhigeen taliyahooda, waxa uu yidhi “Waanu gaadhsiinay, waanu na qancin waayey, ka dibna xeradaanu kaga soo dareernay”.

Mar la weydiiyey talaabadan ay qaadeen inay sharciga baal-marsan tahay, maadaama ay yihiin ciidan bileys, waxa uu yidhi “Waa dhaboo waanu aragnaa inay talaabo khaldan tahay, dhaqan ciidan ahaan, laakiin markaanu wax badan ooh ore soo dul-qaadanaynay ayay noqotay in aanu sidan ka fursan wayno”.

Mar la weydiiyey inay ku qanceen jawaabtii ay baarlamaanka kala kulmeen, waxa uu yidhi “Waanu ku qanacnay, waananu ka dhursugaynaa, hawlahayagii qarana waanu qabsanaynaa, laakiin waxaanu leenahay shaqadii ilaalada ajaanibka iyo hay’adahaba ciidamada qaranka ha loo diro, anagu shaqadayadii bileysnimo ayaanu ku eekaanaynaa oo labadayadii boqol ee kun ayaanu ku kalsoonaanaynaa, qarankana ugu adeegaynaa”.
Mar la weydiiyey cadadka gunada ay ka qaadan jireen hay’adaha ajnabiga ah, waxa uu yidhi “War uma hayno waxa ay iyagu bixiyaan, laakiin anaga 300,000/- Sl.sh ayaanu qaadan jirnay, imikana 250,000 shilin ayaa la yidhi qaata oo waanu diidnay”.

Mar la weydiiyey maadaama ay mushahar dawladeedna hore u qaadanayeen tanina hay’adaha ahayd, waxa dariiqa sharciga ah ugu mari-waayeen cabashadooda ee ay u adkaysan waayeen, waxa uu yidhi “Gurigaygii waan ka tegay, xerada shaqadeeduna hurday lahayd, tanise waa hawl joogto ah, mar kaliya ma dhaqaaqaysid, naf naf ilaalinaysa ayaad tahay, xitaa saddexdaydii wakhti ayay noqon weyday, daymihii baanu iska bixin kari weynay, habeenkii iyo maalintii waa toban kun, tobanka kuna wax nagu filan maaha”.

Mar la weydiiyey tirada guud ee ay ciidanka ku sheegeen oo ahayd 300 oo askari iyo tirada ay gadoodka ku sameeyeen oo 50 askari ah, xagay mareen ciidankii kale iyo waxa ku koobay dembigan ay sameynayaan ee ay qorayahooda u soo qaateen, waxa uu yidhi “Cid aanu waxyeelo u geysanay iyo cid aanu handidaad u geysanayba ma jirto”.
Mar la weydiiyey xarunta golaha wakiilada ee ay hubkooda la soo galeen inay dambi tahay, waxa uu yidhi “Waan ogahay inay dembi tahay, balse nin faras dabadii ka degay wax u dhaamuu waayey”.

Gudoomiyaha golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo barxada hore ee hoolka shirarka kula kulmay ciidanka gadoodsanaa ayaa khudbad gaaban oo u jeediyey ku yidhi “Ciidankan baarlamaanka yimid ee cabashadooda soo gaadhsiiyey way ku mahadsan yihiin, Somaliland waxay ku faantaa oo sharafta ay Somalida kale ay kaga duwan tahay waa nabad, nabada ay ku faanaysaana waxay ku jirtaa gacantiina, nimankiinaa gaajoonaya ee qoryaha sita ayay Somaliland ku faantaa, mushaharka aad qaadataan awalba idinkumay filnayn, caruurtiinana kumay filnayn, intaa waad dulqaadanayseen, markaa waxaan idin leeyahay marka hore dulqaata oo marka labaad xuquuqda idinka maqan, waxaanu jecelnahay kolayba dacwadu waxay leedahay jaranjaro, sida aad u kala saraysaan ciidankiinu inay dacwadiinu u soo kala hor baxdo ayay ahayd, oo uu taliyihiinu u soo gudbiyo taliyaha guud ee ciidanka, dabadeedna taliyaha ciidanka bileyskuna u soo gudbiyo wasaarada arimaha gudaha, markaa waxaan rajaynayaa arintaa wixii aanu anagu ka qaban karno golaha fulinta ayaanu gaadhsiin, waana nagu waajib, maadaama ay dacwadiinu na soo gaadhay inaanu gaadhsiino, inkasta oo arinta aydaan noogu darin xagaydin u dacwootaan, markii hore yaa la hadasheen, markaa waxaan u xil saarayaa arintan gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golaha wakiilada Siciid Cilmi Rooble, waxaanan jecelahay in si deg-deg ah warbixin looga keeno hay’dahay khusayso, sida wasaarada arimaha gudaha, taliska guud ee ciidanka bileyska iyo meelaha kale ee ay arintu khusayso, in warbixin deg-deg ah laga keeno, idinkana waxaan idinkula dardaarmayaa hadaad soo dacwooteen qoraal hore hadaad hayseen inaad keentaan oo aad cid ugu dacwooteen, waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad deganaan muujisaan, inaad waajibkiinii sidii hore ee aad u gudan jirteen, xaqiinana waad halaysaan, insho allaahu, sida ugu dhakhsaha badan”.

Intaa ka dib, waxay ciidanku bilaabeen sacab tumis, iyaga oo laga dheehanayey dareen iyo shucuur ku qanacsanaan ah oo ay muujiyeen.

Waxa isaguna soo gaadhay xarunta golaha wakiilada wakhtigaas taliyaha ciidanka bileyska Somaliland, Maxamed Cige Cilmi oo kooxda gadoodsanayd ku amray inay xeradoodii ku noqdaan, blasé xubnaha kooxdan oo tiradoodu gaadhaysay 70 askari waxay ku balameenbilaabeen in qof waliba meeshii uu gaadhka ka hayay uu ku noqdo oo uu waajibkii saarnaa si caadiya u guto.

Sida la sheegay waxay shalay subax xerada birmadka bileyska tegay wasiirada arrimaha gudaha Ismaciil Aadan Cismaan, Wasiiru dawlaha arimaha gudaha Aadan Mire Waqaf, taliyaha guud ee ciidanka bileyska Maxamed Cige Cilmi iyo xubno ka socday hay’adaha UNDP, waxaanay u sheegeen in gunada ay hay’adaha UNDP ciidanka ilaalada u qoondaysan ay ahayd $ 20 dollar askarigiiba, taas oo sida la sheegay ay ciidankuna ku qanci waayeen, taas oo keentay inay kooxdaasina cabashadooda xarunta golaha wakiilada la hor-tagaan, iyaga oo hubkooda sita,halkaas oo ay cabasho soo gaadhsiiyeen shirgudoonka golaha, iyaga oo ka codsaday inay wax kala qabtaan gunnooyin ka maqan oo ay qayb ka mid ah bixin jirtay hay’ada UNDP.

In u hadlay kooxdan gadoodsan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Axmed Cabdi ayaa sheegay in gunada ay qaataan oo dhan 300,000 (saddex boqol oo kun/) aanay ku filnayn, isla markaana bilaham dabeiyaga oo ka codsaday Hay’ada UNDP ayaa dhawrkii sannadood ee u dambeeyey bixinaysay kharash gaadhaya dhowr iyo afartan kun oo dollar saddexdii biloodba har mar, taas oo lagu kabi jirey gunada la siiyo ciidanka bileyska ee ilaalinta hay’adaha ajnabiga ah.

Gadoodkan bilayska ee shalay waxa u fajac iyo niyad jab ku riday dadweynaha ku nool Caasimada Hargeysa oo baryahan dambe ay ka dhaceen falal nabadgelyo xumo ah kuwaas oo loo nisbeeyey inay ka dhasheen maamul xumo iyo karti darro ku baahday maamulka xukuumadda madaxweyne Rayaale, isla markaana aanay ilaa hada jirin wax talaabo ah oo ay dawladu ka qaaday dadkii xilka hayey ee ka masuulka ahaa.

 


Xukuumadda C/Laahi Yuusuf Oo Bilawday Inay Shilin Somaligii
Dhowaan La Soo Daabacay Qaybiso

Baydhabo May 30, 2006 (Haatuf) Cabdulaahi Yuusuf oo ay weheliyaan mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee dawlada imbagati oo ay ka mid yhiin Xasan Maxamed Nuur
"Shaatigaduud"-Wasiirka Beeraha, ahna ku simaha Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaan Maxamed Ibraahim "Xaabsade, Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraale, Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Cumar Aadan Xasan "Cumar Dheere" iyo mas'uuliyiin kale ayaa shalay kormeer iyo indhoindhayn ku tagay Dugsigii hore ee tababarka cidaamada oo ku yaalla Manaas oo 25KM dhinaca galbeed kaga beegan Baydhabo.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Baydhabo Dugsiga tababarka cidaamada ee Manaas ayaa waxa ku xeraysan ciidamo gaadhaya 900 askari oo isuga jira 440 oo laga soo ururiyay gobollada Bay & Bakool iyo 460 oo ah ciidamo ka soo guuray xerooyin ku yaalla Waajid oo soo gaadhay xerada Manaas May 07, 2006 oo markoodi horena ka soo guuray xerada loo yaqaano Koongo ee Jowhar oo ay deganaan jireen ahna ciidamo laga soo ururiyay gobolada maamul goboleedka Puntland.

Ciidamadan ayaa waxay qayb ka yihiin ciidamo tiro ahaan gaadhaya toban iyo laba kun (12000) oo noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo loo ururinayo dawlada federaalka.

Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa khudbad uu u jeediyay ciidamadan wuxuu ku ammaanay in ay muujiyeen dhabar adayg iyo dulqaad ku adaan gudashada xikooda qaran, wuxuuna ugu hambalyeeyay in dhowaan uu u furmi doono tababar ay kharashkiisa bixinayso beesha caalamka.

Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa intii uu Xerada Manaas la joogay ciidamadan wuxuu u qaybiyay lacag mushaar ah 460 askari oo ka mid ah ciidamada ku jira xerada Manaas oo markoodii hore laga soo ururiyay gobollada maamul goboleedka Puntland, wuxuuna askari kasta uu madaxwaynuhu u qaybiyay 1000.000 (Hal Malyan) oo shilin Soomaali ah.

440 askari oo ka mid ciidamada ku jira xerada Manaas ee laga soo ururiyay gobllada Bay & Bakool ayaa iyagunna lagu wargeliyay in maalmaha soo socda loo qaybin doono mushaharkooda.
 

Top


Shirgudoonka Wakiilada Iyo Koox Salaadiin Ah Oo Shalay
Kulan Albaabadu U Xidhan Yihiin Ku Yeeshay Xarunta
Golaha Wakiilada

Hargeysa, May 30, 2006 (Haatuf) – Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland iyo Koox ka tirsan Salaadiinta Somaliland ayaa shalay kulan albaabadu u xidhan yihiin ku yeeshay xarunta golaha wakiilada.

Salaadiintan oo tiradoodu ahayd dhowr iyo toban Suldaan.

Kulankan oo ay saxaafadu dibada ka joogtay ayaa la sheegay in kulankoodu la xidhiidhay dhexdhexaadinta ay Salaadiintu ka gashay muranka xoogan ee ka dhashay muddo kordhinta golaha guurtida, iyada oo kooxdan salaadiinta ahi kala hadleen shirgudoonka sidii loo dhamayn lahaa khilaafkaasi iyo aragtidooda ku waajahan mawqifkooda arintaasi.

Kulankan oo ay shirgudoonka uga qayb-galeen gudoomiyaha golaha wakiilada iyo labadiisa ku xigeen, ayaa la sheegay in Salaadiinta ka qayb-gashayna ay tiradoodu dhamayd 15 suldaan, waxan, waxaany warar ku dhow-dhow kulankaasi sheegeen in ay labada dhinac iska xog-wareysteen arinta muddo kordhinta Guurtida, iyada oo ay shirgudoonku ay si faah-faahsan Salaadiinta uga warameen mawqifkooda muddo kordhinta iyo cida sharciyada u leh muddo kordhinta golaha Guurtida.

Inkasta oo aan la sheegin go’aano rasmi ah oo kulankaas ka soo baxay, hadana waxa ay ilo-og-ogaal ahi sheegeen inuu ku dhamaaday jawi is-afgarad.

Kulankan oo daba-socday kulan ay Salaadiintu 25-kii Bishan la yeesheen madaxeyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenka oo ay kula kulmeen qasriga Madaxtooyada, waxa ay xubno ka mid ah Salaadiintu sheegeen in ay war-buuxa ka soo saari doonaan kulamadaasi maaalinta Khamiista ah ee fooda inagu soo haysa.

Sida lagu wado Salaadiintu waxa maanta ay la kulmi doonaan shirgudoonka golaha guurtida iyo gudoomiyaha maxkamada sare, sida ilo-xog-ogaal ahi sheegeen.
 

Top


Siminaar Shaqaalaha Macdanta Iyo Biyaha Uga Furmay Burco

Burco May 30, 2006 (Haatuf) Isuduwaha Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ee Gobolka Togdheer, C/risaaq Maxamed Cajeb, ayaa Shalay Xafiska Wasarada ee Gobolka Shaqaalaha Wasarada Siminaar Sadex Maalmood Socondoona uga Furay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Burco Siminarkan oo Isla Wasaradu Soo Qabqabisay ayaa Isuduwaha oo Sababaha Siminarka Ka hadlaya Waxa u yidhi u jeedada Siminarkan loo qabtay ayaa waxa ay tahay Tayaynta Shaqalaha in Shaqalahu Hanaankooda wajibaadka Shaqo ee ay ku Magacaabanyihiin u Toosnaado ee Habka Maamul iyo Wada-shaqayned u Toosnaado Si Horumar Loogaadho iyo Si Wax Looga Bedelo Nedamki Hore Shaqo Si loo helo Nidaam Wanaagsan oo Tayaysan, Kaas Qorshahan Cusub oo Hadi la Maro Wax Badan noo Fududayndoona waana Arinta aynu Siminarkan Isugu Nimi Hadii La Maro Xisaabaad Saxa oo Aan Madmadow Lahayna wax waliba waxa ay Noqondoonaan Sax haddii Xisaabaadka Madmadow Galana Wax Waliba Taxadka ayay Tagayaan, waxaanan u malaynaya Haddi aad Casharadan Sidooda aad ugu Dhaqantan in aynu Ka Gudbi Doono Duruufo Badan oo Ina Horyala ayu Hadalkisa ku So Kobay.

Cumar Yuusuf Ducaale oo ah Macalinka Siminarka Bixinaya ayaa Isna Sharaxaad ka bixiyay ujedada Tababarkan waxana u yidhi “Isaga oo Arintan Sharaxaya Siminarkan oo ku Sabsan Qaybaha Maamulka iyo Lacagaha Waxa Loo Qabtay Sidii ay Shaqalaha Wasaradani uga Faa'iidaysan lahayeen, hadafkeenuna waa Kur u Qaadida Aqoonta Shaqalaha ee Maamul. si ay u dardar galiyan Shaqoyinka ay Hawlwadenadu hayaan, waxana Shaqalaha kula dar darmayaa In ay Ilaaliyaan habsami u socodka Shaqo iyo wadooyinka ay Xisaabaadku Maaraan oo ay Xeerarka iyo Xisabaadka Saxa ah Raacaan,

Xafiska Wasarada Macdanta iyo Biyaha ayaa waxa uu ah Mid ay Hawlihisa Shaqo yihin kuwo fadhiya wuxuna ahaa Meel aan Macniyan Hawlihisa Shaqo Saxnayn oo Taasina waxa ay sababtay marki Dhowaan ay Koox Hanti-dhawri Badheen Xafiiska lagana waayay Wax Xisaabaada oo la Raadraaco In Maamulki Halka La Bedelo oo Maamul Cusub la Keno Kaas oo Xilka Hayay Mudo Bila.

Top


Wafdi Guurtida Ka Tirsan Oo Dib Uga Soo Laabtay Booqasho
Ay Ku Tegi Lahaayeen Saylac

Boorama May 30, 2006 (Haatuf) warar xogogaal ah ayaa sheegeya in wafdi ka kooban xubno ka tirsan golaha guurtidu dib ugu soo laabteen Hargeysa shalay kaddib markii ay suurtageli weyday inay boqasho hawleed ku tegaan degmada Saylac.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Wafdigan oo sida la sheegay ka koobnaa xubnaha beesha Saylac kaga jira Golahaasi iyo xubin kale oo kasoo jeeda deegaanada kale ee Soomaaliland 28kii bishanna ku yimi booqasho magaalada Boorama ayaa dib ugu soo laabtay Hargeysa markii sida la sheegay laga horjoogsaday inay tegaan deegaanka Xariirad oo ka tirsan Degmada Saylac dhulkaasoo ay haatan kusoo laabteen dadkii kasoo noqday xeryaha qaxootiga ee dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.
Wafdiga ayaa la sheegay in booqashada socdaalkoodu la xidhiidhay siday dhexdhexaadin uga geli lahaayeen ama heshiis uga dhex ridi lahaayeen khilaaf dhinaca deegaanka ah oo u dhexeeya dadka ku soo laabtay magaaladaasi ee qaxootiga ahaa iyo kuwii hore u deggenaa oo dhawr jeer hore xurguf dhex martay sababi gaadhay xasiloonidarro deegaankaasi ka dhacda.

Sida warku sheegeyo wafdigan oo la tuhunsasanyahay inuu soo diray guddoomiyaha Golaha guuritida Saleemaan Maxamuud Aadan ayaa, sida la sheegeyo looga shakiyey inay deegaanadaasi ay ku socdeen ka abuuri karaan xasiloonidarro maadaama aanay wakhtigan jirin cid isku haysata dhulkaasi, booqashadooduna noqon karto mid ujeeddooyin kale leh.lama sheegin cidda amarka dib loogu celiyey wafdigaasi
bixisay.

Top


Golaha Degaanka Boorama Oo Ku Hawllan qabanqaabada
Shir Aan Caadi Ahayn Oo Lagu Rido Maayarka Magaaladaasi

Boorama May 30, 2006 (Haatuf) Dhaqdhaqaaq ku saabsan sidii golaha deegaanka Boorama u qabanlahaa shir aan caadi ahayn oo kursiga lagaga rido maayarka haatan C/raxmaan Sheekh Cumar ayaa labadii cisho ee ugu dambeeyeyba hadheeyey arrimaha golahaasi.

Dhaqdhaqaaqan lagu doonayo in goluhu shir aan caadi ahayn isugu yimaaddo ayaa waxay kusoo beegmeen wakhti xaaladda magaalada ee dhinca khilaafaadka dhulka iyo beeruhu cirka isku shareereen,isla markaana guux farabadan oo dhinaca horumarinta magaalada ah jiro.Warar aan la xaqiijin ayaa sheegeya in ilaa caawa golahaasi u fadhiyo talooyin la xidhiidha ciddi beddeli lahayd ,cidda aan daacadda ka ahayn shirkan iyo cidda daacadda u ah maayarka lagu hubsanayo si aakhirataanka sidii awalba dhici jirtay anay u dhicin in maayarkaasi kala daadiyo dedaal kasta oo lagu doonayo in lagu rido.

Qabanqaabadan u dambaysay ee haatan socota ayaa la filayaa inay wax ka soo baxaan maadaama lagga hormoodka ka ah arrintani yihiin xildhibeenada xisbiga UDUB kasoo baxayoo taageero ka haysta kuwa mucaaradka kasoo baxay,balse ilaa imika ma muuqdo cidda ay doonayaan inay ku beddelaan maayarka haatan.In ka badan laba jeer oo hore ayaa maayarka haatan loo qabtay shir aan caadi ahayn balse waxba kama socon iyadoo shir kasta oo lagu ridayey maayarka ay sutida u qabteen Guddoomiyaha gobolka Awdal iyo wasiirka Daakhiligu.


 

Top


“Khal Khal Gelinta Nabad Gelyada Somaliland Iyo Xaalad
Abuurka Ay Xukuumaddu Waddo”
Warsaxafadeed: Eng. Cismaan Cabdilaahi Cigaal (Hindi),
Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa Ee Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, May 30, 2006 (Haatuf) Xisbiga KULMIYE ayaa cambaareeyey falkii ay shalay ku gadoodeen ciidamada Bilayska ahaa, isaga oo ku eedeeyey xukuumada inay musuqmaasuqday gunooyinkoodii.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray gudoomiyaha KULMIYE ee gobolka Hargeysa Eng Cismaan Cabdilaahi Cigaal kaasi oo u qornaa sidan:

“Ciidamada Booliiska iyo qarranka ee Somaliland waa dhidibka 1-aad ee nabadda ay Somaliland ku faanayso, waxay habeen iyo maalin heegan u yahiin ilaalinta ammaanka qarranka, waxay ammaanka dalkani dusha ugu riteen iyagoo iloobay dhibaatada, tiifta iyo dhaqaala la’aanta iyaga iyo qoyasaskooda haysata, waxay muddo badan u samreen oo ay naftooda iyo karamadoodaba u maalgeliyeen sidii Somaliland u noqon lahayd meesha ugu xasiloon dhammaan dunida dacaladeeda taasi oo ilaahay la qabtay shacbiga Somaliland-na ku gacan siiyeen.

15kii sannadood ee Somaliland xornimadeeda hadhsanaysayna ciidamada kala duwan ee somaliland ha noqdaan booliis, ciidamada qallabka sida, asluubta iyo ciidamada nabad gelyada wadddooyinka kama ay helin xukuumadda dhexe waxay xaqa u lahaayeen, iyagoo gaajo haraad iyo tiif badan u xamilay una liqay sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga bad baadin lahaayeen cadaw kasta, balse isweydiintu waxay tahay ma heleen abaalkoodii ay dalkani ku lahaayeen?

Iska dhaaf xuquuq iyo karaamo iyo tixgelin ay ka helaan xukuumadda waddanka ka talisa eh waxaa marag ma doonta ah oo tusaale inoogu filan in gunadoodii yarayd ee ay noloshooda ku kabayeen ay xukuumaddu musuq maasuqdo iyadoo musuq maasuqa baahsan ee dalkani ka jiraa uu maanta gaadho halkaasi, askarta Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxay xaq u leeyahiin wuxuu dastuurka Somaliland u jideeyey oo ah inay helaan abaalka ay dalkani ku leeyahiin, maanta ma aynaan joogin heer loogu abaal gudo in iyagii la musuqo oo gunadii yarayd ee ay ugu deeqeen haayadaha caalamiga ah ee dalka jooga ee ay iyaga amaankooda lagu sugaayey jeebahadaha lagu shubto, waxaananu ku kalsoonahay ciidamada Somaliland samirka iyo dulqaadka ay muujiyeen inay xoojiyaan ogaadana in shacabka Somaliland ugu abaal gudi doonaan maalin kale, waxaananu markale ku dhiiri gelinayna inay dulqaadkaasi iyo samirkaasi xoojiyaan.

Waxaa nasiib darro kale ah maanta ceebta kale ee beesha caalamka inaga haysata oo ah in la musuq maasuqay jeebadahana lagu shubtay waxay u bixinayeen in ammaanka lagu sugo, taasi oo sharaftii iyo cisigii aynu lahayn niyad jab weyn ku keenaysa.

Xisbiga Kulmiye wuxuu u arka dhacdadii 29 May ay ciidamo ka tirsan kuwa ilaaliya haayadaha dalka jooga, gadoodka u muujiyeen inay tahay mid xukuumaddu doonayso inay fadqalad iyo xaalad amaan xumo ah dalkani uga abuurto, waana xaaraan xagga ilaahay iyo dhaqanka ummadda Somaliland ka fog in la duudsiyo xaqa ay ciidamada Somaliland u leeyahiin inay helaan waxay gayaan.
Waxaanu Ka Codsanaynaa Guddi hoosaadyada golaha wakiiladda ee arrintani khuayso in ay si deg deg ah arrintani ay wax uga qabtaan.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Haddii Taliyihii Nabadgelyada Awdal
Dadka Dhacayo, Maxaa Ku Xigi Kara?

Anigoo ka mid ah muwaadiniinta reer Borama ee dhulbeereedka ku leh duleedka
magaalada ayaa waxa iga yaabiyey arrimaha dhulka ku saabsan ee beryahan ka socda
magaalada.

Arrintaasi dhulka oo aniga laftayda i saamaysay ayaa waxa lug ku leh maamulkii ama taliyihii ciidanka amniga ee gobolka Awdal oo si sharcidarro ah ula soo saftay qoyskiisa oo aan isku qabsanay beer ku taalla seeraha magaalada.

Taliyahaasi oo la yidhaa Aadan Geeddi qayaad, xilkana hayey muddo bil ka yar ayaa durba bilaabay inuu shaadhka dawladda durba igaga qaato beertaasi oo aabahay iiga tegey .Haddaba mar haddii dadkii nabadgelyada qaabilsanaa ee ay ahayd inay dhexdhexaad ka noqdaan dacwadda qoyska taliyaha iyo annaga naga dhaxaysa ay xoog iyo sharcidarro ku doonayaan inay sharcidarro horseedaan, maxaa laga sugayaa shacbiga Haatan waxay maraysaa in taliyaha iyo qoyskiisaasi ay xoog ku qotaan beertaasi goor habeennimo ah, xaggee loo dacwoon karaa, maxaase ka iman kara haddii aan sida uu taliyahaasi yeelay aan ku dhaqaaqo.Waxa taa kasii daran sida islaanimada ka baxsan ee ay beenta uga sheegeen dacwaddaasi oo ay sheegeen inay ku qanci doonaan haddii aan ku dhaaranno.

dhaartaasi kaddib ayaa dhinacaasi gaashaanka ku dhuftay wixii iman lahaa ee ay sheegeen inay ku qanci doonaan .Haddaba taliyaha iyo qoyskiisaasi oo aan xeerin diinta islaanka, meelna kaga dhacay iimaanka suubban ayaa ilaa imika hortaagan in arrintaasi laga gaadho xal nabadgelyo ku dhisan iyo mid sharci ku dhisanba.

sidaa darteed waxaan xukuumadda sare iyo tan gobolka ka codsanayaa in tallaabo degdeg ah laga qaado arrintan oo xalkeeda la helo inta aanay xaaladdu faraha ka bixin ,haddiise ay sii socoto in la sharciyeeyo sharcidarrada taliyaha Boolisku ku qaatay beertayada wixii ka dhaca ciddii sababtay ayaa dembigeeda yeelan doonta.
Cabdilaahi Sh.Cabdiraxmaan Cismaan, Boorama, Somaliland
 

Top