MPs Alun Michael Iyo Kerry McCarthy Oo Loo Doortay
Hogaaminta Guddida Mudaneyaasha UK Ee U Dhaqdhaqaaqa Qaddiyadda Somaliland
Safiirka Britain Ee Addis Ababa Oo Ka
Waramay
Taageerada Ay Dawladiisu Siinayso Somaliland
Koox Falal Argagixiso U Xidhnaa Oo
Markii U
Horeysay Shalay La Horkeenay Maxkamadda
La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arrimaha
Bulshada
Oo Qanciyey Dad Ka Cabanayey WFP
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Oo Hay’ada
WFP Ku Eedeeyey Inay Musuqmaasuqday Mashaariicda Ay Bixiso
Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo
Maraykanka Ku Eedeeyey Inaanu Doonayn Dawlad Somaliya Ka Dhalata
Itoobiya Iyo Ereteriya Oo
Isweydaarsaday Eedaymo Ku Waajahan Somaliya
TOTAL Oo Dhuumihii Gudaha Haamaha
Shidaalka Berbera Ku Bedeshay Kuwo Duug Ah Oo Ruushku
Ka Saaray 36 Sannadood Ka Hor
Madaxweyne Rayaale Oo 48-ka Saacadood
Ee Soo Socda U Boqoolaya Dalka Gambia
Dildilaacii Ubaxa iyo Kacaankii
Dhergiga
Khilaaf Weyn Oo Soo Dhexgalay Xamid
Karsay Iyo Maraykanka
Ciidamada Israa’iil Oo Burburiyey
Warshadii
Korontada Ee GAZA
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hambalyadda
Xorriyadda
Jamhuuriyadda Djibouti Ee 27 June
Talo Soo Jeedin Ku Socota Madaxweyne
Daahir Rayaale Kaahin
|
|
MPs Alun Michael Iyo Kerry
McCarthy Oo Loo Doortay
Hogaaminta Guddida Mudaneyaasha UK Ee U
Dhaqdhaqaaqa Qaddiyadda Somaliland |
London, June 29, 2006 (Haatuf) – Kooxda
Mudaneyaasha Baarlamaanka Britain ee dhowaan isu magacaabay inay si
mutadawacnimo ah u taageeri doonaan qaddiyadda Somaliland ayaa shalay
fadhigoodii ugu horeeyay ku yeeshay Aqalka Baarlamaanka (House of
Commons), waxaanay fadhigaas guddoomiye ugu doorteen Xildhibaan Allun
Michael oo ah mudane laga soo doortay magaalada Cardiff ee gobolka Wales.
Waxa kale oo Xoghaye loo doortay Xildhibaanada Kerry McCarthy oo ah Mudane
laga soo doortay magaalada Bristol ee Waqooyiga London.
Cabdi-Kariin Aadan oo ka mida Jaaliyadda Somaliland ee Liverpool oo xalay
Haatuf la xidhiidhay ayaa sheegay inay kulankaas isugu yimaadeen
soddomeeyo Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriisku ah oo guddidan ka
tirsan, kuwaas oo iskood isugu xilqaamay u ololaynta iyo meel-marinta
Somaliland, siiba dhinacyada helidda kaalmada dhaqaale iyo soo-bandhigista
qaddiyadda Ictiraafka.
Fadhigaas oo u dhacay si fiican waxa goob-joog ka ahaa wakiilka Somaliland
ee UK, Cismaan Indhoole. Top
Safiirka
Britain Ee Addis Ababa Oo Ka Waramay
Taageerada Ay Dawladiisu Siinayso Somaliland |
Hargeysa, June 29, 2006 (Haatuf) – Safiirka
Dawlada UK u fadhiya Itoobiya Mr Bob Dewar oo shalay booqasho gaaban ku
yimi Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in dawladiisu ay
maal-gelin doonto Barnaamij lagu taakulaynayo Agalka Golaha Wakiilada ee
Baarlamaanka Somaliland.
Sida uu safiirku Haatuf ugu waramay taakulaynta waxa ka mid ah taageero
dhinaca tababarada ah oo la siin doono xubnaha iyo shaqaalaha Baarlamaanka
iyo waliba dhinaca qalabka iyo adeegyo kala duwan oo Baarlamaanka u
fududayn doona hawliisaha shaqo.
Mr. Bob Dewar waxa kale oo uu sheegay in ay masuuliyiinta Somaliland ka
wada hadleen arrimo kale oo ay ka mid yihiin arrimaha Laanta Socdaalka
(Immigration). Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa aanu
isla soo qaadnay sidii aanu gacan u siin lahayn Laantiina Socdaalka, isla
markaana aanu wax uga qaban lahayn baahiyahooda inaga oo iskaashanayna”.
Safiirku waxa uu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan kaalmada
mashaariicda dhinaca Garsoorka, Bileyska iyo dib-u-jihaynta ee ay
Somaliland u soo mariyaan hay’ada UNDP.
Mr. Bob Dewar iyo weftiga uu hogaaminayay oo ay ku jireen saraakiil ka
tirsan Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dibadaba, waxay shalay la kulmeen
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo xafiiskiisa ku qaabiley.
War-saxaafadeed uu kulankaasi ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada
Somaliland Cabdi Idiris Ducaale waxa lagu sheegay in danjiruhu
madaxweynaha ka xog-wareystay aragtida Somaliland ee ku waajahan xaaladan
cusub ee ku soo korodhay gobolka, gaar ahaan arrimaha Somaliya.
Kulankaa Danjiraha iyo Madaxweynaha ka hor, Mr. Dewar iyo weftigiisu waxay
kulan ay gudoominayso Wasiirada arrimaha dibada Somaliland Edna Aadan
Ismaaciil ku yeesheen xafiiskeeda, kaas oo ay ka soo qayb-galeen dhinaca
Somaliland Wasiirada Qorsheynta Axmed X. Daahir, Dib-u-dejinta C/laahi
Xuseen Iimaan, Arrimaha Gudaha Aadan Maxamed Mire, waxa lagaga wada hadlay
arrimo ku saabsan sii xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo UK.
Dhinaca kale, war-saxaafadeed uu Ambassador Bob Dewar ka soo saaray
socdaalkiisan gaaban, waxa uu ku xusay ahmiyada ay dawladiisu siinayso
xasiloonida ka jirta Somaliland in aanay hintaaqmin. Isaga oo arinta ka
hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u malaynayaa in aad intiina badani
maqasheen wareysigii wasiirka arrimaha Afrika Lord Triesman ee laga sii
daayey BBC-da Jimcihii dhowaa, kaas oo uu Somaliland ku tilmaamay in ay
tahay jasiirad nabdoon, iyada oo aanu u aragno xasiloonida iyo
degananshiyaha Somaliland arin muhiim ah, isla markaana aanu Midowga Yurub
iyo midowga Afrika kala shaqaynayno sidii gobolkan nabad loogu soo dabali
lahaa, Somaliland-na waxaan ku bogaadinayaa in ay ku sii negaato
waxyaabihii u qabsoomay ee lahaa dib-u-heshiisiin dimoqraadiyadeed oo
nabad iyo horumar leh”. Top
Koox Falal
Argagixiso U Xidhnaa Oo Markii U
Horeysay Shalay La Horkeenay Maxkamadda |
Waxa Ka Mid Ah Eedaysanayaasha Maqan
Xasan Daahir Aways Oo Ah Gudoomiyaha Majlisu
Shuuraha Maxkamadaha Xamar
Hargeysa, June 29, 2006 (Haatuf) – Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa ku
amartay Xeer Ilaalinta gobolka inay soo waafajiso Xeerka Ciqaabta ee ku
haboon eedda ay ku soo oogtay 14 eedaysane oo loo haysto falal argagixiso
oo ay doonayeen inay ka fuliyaan Somaliland bishii September, 2005.
Maxkamaddu waxay qaraarkan soo saartay ka dib markii maalintii shalay la
horkeenay sideed ka mid ah eedaysanayaashaasi oo ilaa bishii September ee
sannadkii tegay ku xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Dhegeysiga dacwada eedaysanayaashan ayaa shalay abaaro 9:30 ka furantay
hoolka garnaqa dacwadaha ee maxkamadda gobolka Hargeysa, iyada oo ay
dhegeysiga dacwadan ka soo qayb galeen dad aad u farabadan oo ka mid ah
ehelada eedaysanayaasha iyo dad kale oo farabadan.
Dacwadan waxa oogayey laba garyaqaan oo ka socda Xeer Ilaalinta Gobolka
Hargeysa, halka ay eedaysanayaashana ka difaacayeen afar Qareen, iyada oo
ay ka garnaqayeen Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/Raxmaan Jaamac
Hayaan iyo laba garsoore oo ka socda dadweynaha.
Ugu horeyn markii uu Gudoomiyuhu furay dacwadaasi, waxa uu sheegay inay
dhegeysiga dacwadan Maxkamadda Gobolka Hargeysa qaybteeda Tashiga oo uu
Gudoominayo Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka iyo laba garsoore oo ka socda
dadweynuhu ka garnaqi doonaan, iyada oo buu yidhi, sidaas loo yeelay inay
dadweynuhu ogaadaan dambiyada noocan ah, maadaama uu kiiskani yahay mid
xasaasi ah.
Ka dib, waxa uu Gudoomiyuhu u akhriyey xaashida eeda loo haysto sideed
eedaysane oo maxaabiis ah, kuwaasi kala ahaa:
1. C/Raxmaan Cismaan Yuusuf
2. C/Raxmaan Maxamuud Jaamac Indhacade
3. Axmed Cali Xuseen
4. Maxamed Sh. Ismaaciil
5. Maxamed Ibraahim
6. C/laahi Axmed Maxamuud
7. Maxamed Maxamuud Nuur (Faruur)
8. Muuse Cali Yuusuf
Waxa kale oo ka mid ah eedaysanayaasha Maqane ee eedan ku jira Xasan
Daahir Aways, Axmed Cabdi Godane, Ibraahim Jaamac, Aadan Xaashi Ayrow iyo
nin kale oo magaciisa lagu soo gaabiyey Sahal.
Ka dibna waxa uu garsooruhu weydiiyey eedaysanayaasha inay qabaan eedaasi
loo haysto ee qodobka 222 xeerka ciqaabta guud oo lala akhriyo 73-aad,
iyada oo lagu eedaynayo inay ku hawlanaayeen hawlo lagu burburinayo,
khalkhal gelinayo, laguna burburinayey doorashadii golaha Wakiilada
Somaliland ee September 2005, iyaga oo shirar la xidhiidha sidii ay isugu
duwi lahaayeen falalkaasi kor ku xusay ku yeeshay Magaalooyinka Burco,
Ceerigaabo, Laas-caanood iyo Hargeysa ee Somaliland iyo weliba magaalada
Muqdisho ee xarunta dalka Somalia ku yeeshay intii u dhaxaysay bishii
April ilaa 22 September 2005, ka hor intii aan qaar ka mid ah lagu qaban
guri ku yaala Xaafada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa iyaga oo hub ku
urursanaya, isla markaana ay dhaawacyo soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah
ciidanka bileyska Somaliland, iyada oo qaarkoodna lagu qabtay miinooyin,
aaladaha qarxa, hub iyo rasaas, waxyaalahaasi oo ay doonayeen inay ku
waxyeeleeyaan Somaliland. Hase yeeshee markii uu Gudoomiyuhu u akhriyey
eedaysanayaasha Xaashidaasi eeda, ee uu weydiiyey inay qabaan dambigaasi
iyo inkale waxay dhamaantood ku jawaabeen ma qabno.
Intaa ka dib, Maxamed Cali oo ka mid ah Qareenada difaacayey
eedaysanayaasha ayaa bilaabay inuu naqdiyo xaashida eeda ee Xeer Ilaalintu
soo gudbisay, isaga oo ku dooday in aanay sharci ahayn in qof laba jeer
Maxkamadi ay dambi ku wada xukunto, iyada oo uu isla garsoorihii marka
hore xukumay uu joogo, dambigii lagu xukumay marka hore iyo qodobkii
Ciqaabta ahaa ee lagu soo eedeeyey uun haddana loo haysto.
Waxaanu Qareenku intaasi raaciyey oo uu sheegay in aanay taasi
waafaqsanayn shuruucda u taala wadanka iyo weliba xeerarka caalamiga ah,
waxaanu yidhi. “Waxa la igu xukumay xabsi daa’im, iyada oo la adeegsaday
isla qodobkan 222 ee Xeerka Ciqaabta, iyada oo qodobka 13-aad farqadiisa
sadexaad ee xeerkaasi u dhigayo in aan qofna lagu soo eedayn karin isla
dambi qudha, halka qodobka 14-aad farqadiisa 7-aad ee xeerka Caalamiga ee
xuquuqda aadamuhuna uu sidaas oo kale dhigayo, haddaba waxa aan Maxkamadda
u sheegayaa in aanu jirin xeer ogolaanaya arrintaasi, xataa ka Yuhuudana
dhehoo, haddii ay Maxkamaddu ogolaato arrintaasina waxa ay u muuqanaysaa
sidii xukunkii Marwaan Al-Barquuti maxkamada Yuhuudu ugu xukuntay Xabsi
Daa’im, haddana shan sannadood oo dambe dib loogu xukumay”.
Waxaanu Qareen Maxamed Cali intaasi raaciyey in isla maanta lagala noqdo
eedaynta maxaabiista uu u doodayo, C/Raxmaan Indhacade la sugo waxa ay ku
xukunto Maxkamadda Sare oo uu hadda rafcaankiisii uu ka qaatay xukuno ay
hore ugu rideen Maxkamadaha Gobolka iyo Rafcaanka Hargeysi hortaalo inuu
calafkiisa ka qaato.
Waxa kale oo uu qareenkani ku dooday in eedaysanayaasha kale ee uu u
doodayo eeda loo haystaa aanay waafaqsanayn sharciga, isla markaana haddii
ay dambi tahay in laga qaybgalo Ijtimaac ama shirar ay maalin walba ka
dhacaan magaalooyinka Somaliland, lagana wada qayb galo, sidaas darteed,
waxa uu yidhi. “Waxa aan Maxkamadda u soo jeedinayaa inay Xeer Ilaalintu
la noqoto eedeeda oo ay haddii ay jirto eed ay haysaa ay sharciga soo
waafajiso”.
Garyaqaan Ibraahim oo isna ah Qareenka eedaysanayaasha 3-aad iyo 8-aad
ayaa maxkamadda ka codsaday inay is-hortaagto xaashida eeda ee Xeer
Ilaalintu Maxkamadda keentay, waxaanu ku sababeeyey in aanay xaashidaasi
waafaqsanayn qodobka 71-aad ee xeerka habka ciqaabta, kaasi oo sheegaya
haddii dambi dad loo wada haysto in mid walba dambigiisa loo sheego. Waxa
kale oo uu Qareenkani ka hadlay ereyga Argagixiso oo uu sheegay in aan
macnihiisa la garanaynin, isla markaana uu yahay erey ka soo yeedhay reer
galbeedka, lana garanayn dambiga iyo yahay ciduu tilmaamayo, sharciga
Qarankana meelna kaga oolin. Sidaas darteedna buu yidhi aanu dhibane ahaan
sheegi karin qodob sheegaya falal argagixiso. waxaanu Qareenkan Maxkamadda
ka codsaday in xafiiska Xeer Ilaalinta la amro inay sharciga waafajiso
eedeeda, ka dibna la soo hordhigo garsugayaasha eed sharciga waafaqsan.
Sidoo kale Qareen Maxamed Siciid ayaa isna ku dooday inuu is-hortaagayo
eeda ay Xeer Ilaalintu horkeentay Maxkamada oo uu sheegay inay tahay tii
afraad ee ay Xeer Ilaalintu u soo gudbiso Maxkamadda, hase yeeshee iyada
lafteedu aanay waafaqsanayn sharciga, una dheertahay iyada oo ay is
khilaafsanyihiin eeda iyo qodobada loo adeegsanayaa, qodobada ay Xeer
Ilaalintu u cuskatay eedana aanay hadda ahayn kuwo shaqeeya, balse uu
tirtiray qodobka 130-aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland, maadaama
qodobkaasi ka horimanayo shareecada Islaamka iyo xuquuqda aas-aasiga ah ee
eedaysanaha. Waxaanu Qareen Maxamed hadalkiisa ku soo khatimay in aanay
eedani meelna kaga jirin 565 qodob oo uu sheegay inuu ka koobany yahay
xeerka Ciqaabtu, waxaanu ku tilmaamay dacwadan mid aan sharci ahayn, balse
ah mid siyaasadeed, sidaa darteedna waxa uu maxkamadda ka codsaday inay
xidho.
Sidoo kale, Qareen Rooble Micheal oo ka mid ahaa qareenadii difaacayey
eedaysanayaashan ayaa ku dooday in aanay eedani waafaqsanayn sharciga
dalka, sidaas darteedna uu Maxkamadda u soo qoray waraaq uu kaga jawaabayo
eedaasi, taasi oo uu ogeysiina ka siiyey Xeer Ilaalinta, isaga oo codsaday
in eeda sharciga la soo waafajiyo, balse aanu taasi wax jawaab ah ka helin,
sidaas darteedna uu Maxkamadda ka codsanayo in maadaama aanay eedan Xeer
Ilaalintu waafaqsanayn xeerarka dalka u yaala inay joojiso oo ay
xorriyadiisii u soo celiso eedaysanaha 7-aad ee uu Qareenka u yahay, mar
haddii ay Xeer Ilaalintu keeni weyday buu yidhi eed sharciga waafaqsan.
Intaa ka dib, Garyaqaan Yuusuf C/laahi oo ka socday xeer Ilaalinta ayaa
isna ku dacwiyey in is-hortaaga ay soo jeediyeen Qareenada eedaysanayaashu
aanay waafaqsanayn qodobka 105 ee xeerka habka ciqaabta, maadaama buu
yidhi eedaysanayaasha loo akhriyey eeda loo haysto dhamaantoodna ay ka
jawaabeen oo ay yidhaahdeen ma qabno, sidaa darteed buu ku dooday ma
banaana wax la yidhaahdo Is-hortaag, qodobka 114-na waxa uu farayaa
Maxkamadda in lana weydiiyo cadayn, balse ma jiro is-hortaag.
Sidoo kale waxa uu Xeer Ilaaliyuhu ka codsaday Maxkamadda in dooda
qareenka eedaysanaha labaad ku durayo kiiska loo haysto eedaysanaha 2-aad
aanay sharcinimada inay Maxkamaddu ka qaado kiiska loo haysto, aanay
kiiska lagu xukumay iyo kan loo haystaa ahayn qaar isku goob iyo goor ka
dhacay meel isku mid ah, balse ay midaynayso dacwada labada eedood,
qodobka Ciqaabta ah ee ah “Qofkasta oo isaga oo doonaya inuu waxyeeleeyo
amaanka Qaranka ku kaca fal burburin, rigaaxid iyo dil gudaha dalka ah”.
Kaasi oo uu Xeer Ilaaliyuhu sheegay in aanu dhamaystirmin, balse la
damacsanaa, taas oo la mid noqonaysa iyada oo la fuliyey.
Intaa ka dib, Maxkamaddu waxay dib u gashay hoolka dambe ee tashiga,
waxaanay soo saartay qaraar ay ku diidayso duris uu mid ka mid ah
Qareenada eedaysanayaashu ku duray Garsoore ka tirsan saddexda garsoore ee
ka garnaqayey dacwadan.
Waxa kale oo ay maxkamaddu Xeer Ilaalinta Amartay inay soo waafajiso
Xeerka Ciqaabta ee ku haboon eedda ay ku soo oogtay eedaysanayaasha, hase
yeeshee waxay maxkamadu sheegtay in iyada oo la cuskanayo xadiiskii Nebiga
ee ahaa (SCW) “Dhibanaha cadayn baa looga baahan yahay, dhib geystaha
dafirana waxa looga baahan yahay dhaar” waxa ay amartay in la dhegeysto
Markhaatiyada Xeer Ilaalinta, hase yeeshee, markii loo yeedhay kii ugu
horeeyey, iyada oo ay markaasi saacadu ahayd ku dhawaad 12:00-nadii ayaa
la waayey, sidaas ayeyna Maxkamadii shalay ku xidhantay. Top
La Taliyaha
Madaxweynaha Ee Arrimaha Bulshada
Oo Qanciyey Dad Ka Cabanayey WFP |
Hargeysa, June 29 2006 (Haatuf) – Boqolaal
ka tirsan Ururada Bulshada ryidka ah ee ka dhisan gobolada dlaka ee
mashaariicda ka qaadan jirey hay’ada WFP oo isu-soo-bax cabasho ah ku
qabtay Wasaarada Qorsheynta Qaranka ayaa shalay waxa la kulmay oo khudbad
u jeediyey La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada Cali Maxamed
Waran-cade oo ay maalintii doraad u gudbiyeen cabasho la xidhiidha hay’ada
WFP oo ay sheegeen in ay u diiday mashaariic ay u soo gudbiyeen.
Dadka isu-soo-baxa cabashada ah muujinayay oo tiradoodu ahayd 300 oo qof
oo ka kala socday NGO-yada wadaniga ah ee ka jira gobolada dalka, khudbada
uu u jeediyey la-taliyuhu waxa uu ku yidhi “Sarkaalkan cusub ee WFP-da u
fadhiya xafiiska Hargeysa waxa uu noo sheegay inuu xafiiska ugu yimid
Faylal tiradoodu gaadhayso saddex boqol iyo dheeraad, waxaanu jeclaystay
inuu arrintaa kala hadlo xafiiskooda Nairobi. Hase yeeshee waxaanu ku
cadaadinay inuu Faylasha hada yaala uu u eego, kuwii shuruudaha buuxiyeyna
uu u dhamaystiro,wixii shuruudaha buuxin-waayana ay dadka si cad ugu
sheegaan. Dabadeedna waxa uu naga codsaday sarkaalka xafiiska WFP-du in
wakhti la siiyo, waxaanu noo sheegay inuu todobaad kadib keeni doono
faylashii mashaariicda mutaystay iyo kuwii shuruucda buuxin-waayey.
Waxaan markaa idinka codsanayaa in aad mudadaas ay ku keenayaan samirtaan,
sidaasanu ku balanay oo uu naga balan-qaaday”.
Iyada oo dadkii cabashada muujinayayna ay si weyn ugu qanceen. Intaa kadib
oo aanu wax ka weydiinay dadkii cabashada ka muujinayay WFP-da sida ay u
arkaan khudbadaasi uu u jeediyey la-taliyuhu, ugu horeyn Khadar Maxamed
Maxamuud oo ka mid ahaa ururadii bulshada ee cabashada isugu soo baxay,
isaga oo dareenkiisa cabirayaa waxa uu yidhi “Waxaan halkan marka u
horeysa hambalyo uga jeedinayaa khudbadii uu halkan nooga jeediyey la-taliyaha
madaxweyne ee arrimaha bulshadu Cali Warancade oo aanu uga mahad-naqayno
sida xilkasnimada ah ee uu uga hawl-galay cabashadaydii, wasiirada
xukuumadana waxaan u soo jeedinaynaa inay xilkooda uga soo baxaan sida la-taliyuhu
xilka gaarka uu isaga saaray wax-ka-qabashada arintayadan, hay’ada
WFP-dana waxaanu u soo jeedinaynaa inay go’aanada ay la qaadatay la-taliyaha
madaxweynaha ay si toos uga dhabayso, hadii ay balantaas ka soo
bixi-weydana ay ka iman karaan dhibaatooyin badani, anaguse waanu ku
qanacsannahay hadalka Waran-cade yidhi”.
Marwo Siraad Cabdi oo ka mid ahayd iyaduna ururada cabanayay ayaa tidhi
“Anagu marka u horeysa waanu ku qanacsanahay sida xilkasnimada ah ee uu
iskaga xil-saaray Waran-cade cabashadii aanu u gudbinay, balantii uu noo
qaadayna wuu ka soo baxay. Hase yeeshee, waxaanu aad uga cabanaynaa
Hay’ada WFP iyo wasaarada qorsheynta qaranka oo dhinacba noo jihayn weyday
muddo saddex sannadood ah oo aanu ka sugaynay mashaariic noogu xaraysnayd”.
Top
Wasiirka
Qorsheynta Qaranka Oo Hay’ada WFP Ku
Eedeeyey Inay Musuqmaasuqday Mashaariicda Ay Bixiso |
Hargeysa, June 29, 2006 (Haatuf) – Wasiirka
Qorsheynta Qaranka Axmed X. Daahir Cilmi ayaa sheegay in arinta cabashada
ururada wadaniga ahi ay u soo jeediyeen hay’ada WFP ee ku saabsan
mashaariicda ay ka qaadan jireen ay ka dhalatay musuqmasuq ka yimid qaabka
mashaariicda hay’adu u bixiso oo uu sheegay in la musuqmaasuqo. Isaga oo
intaa ku daray in laga musuqmaasuqo dadka u soo qorta mashaariicda,
taasina ay ahayd arrimihii ay ku eryeen sarkaalkii hore ee hay’ada WFP-da
u fadhiyey xafiiska Hargeysa.
Sidaana waxa uu ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay
xafiiskiisa oo uu kaga hadlay arrimaha cabashada ah ee loo jeediyey
hay’ada WFP iyo wasaaradiisa, wasiirku isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu
yidhi “Waxaan doonayaa in aan idin siiyo xog-waran kooban oo ku saabsan
cabashada WFP, arintan WFP-na waa mid mushaakilkeedu taagan yahay, waxan
la bixinayaana waa raashin, dadkeena Somaliland habka ay u qaataan
mashaariicduna waa hab ay kaga been-sheegaan mashaariicda ay soo qortaan
80%, hadana maadaama dadkeenu shaqo la’yihiin waxaanu isku daynaa in lagu
naas-nuujiyo, balse ay wax-qabtaan, mashaakilkan maanta taagani waa
arrimihii aanu ku erinay sarkaalkii hore ee hay’adaasi. Waxa kale oo
mashaakil weyni ka jiraa xafiiska hay’adaasi gudihiisa oo aanu doonayno in
aanu nadiifino, arrimahaas oo muddo dheer ka soo dhex-jirey hay’adaasi,
markii ay qaylo-dhaan badani ka timid hay’ada WFP ayaa waxaanu bilownay
January 2005 oo ay dhacday faylal dadka laga qaaday 2003-dii oo kolba
siday doonaan ka yeelayeen. Sidaas darteed 2005-tii ayaa waxay nagu soo
wareejiyeen 330 fayl oo dalabyo ah, waxaananu ogaanay inay in gaar ahi ka
faa’iidaysan jirtay mashaariicdaasi oo inta taagta darani ay ku
xuquuq-waayi jirtay, codsiyadaa naloo soo gudbiyey waxaanu ka saxeexnay 90
fayl oo kaliya, inta kalena meel ay ka yimaadeen lama garanayo. Waxaana
dhacday in Cover Letter-ka WFP-da la geeyo toban goor in wax lagu qaato,
arrimahaana cabashooyin badani markii ay nooga yimaadeen, waxaanu ku
erinay sarkaalkii hore ee hay’adaasi joogay, tan imika taaganina waxay
ahayd oo ay noo sheegeen inay iyagu system-kaas ay wax-ka-bedelayaan oo ay
tababaro siinayaan, sarkaalkan imika joogaa waxa uu yimid 5-tii April,
waanu ka ogolaanay inay arrimahaasi wax ka qabtaan, halkan waxaanu ku
haynaa qawaaniintii iyo shuruucdii u taalay WFP iyo qawaaniinteenii.
Sidaas darteed, waa in aynu shuruucdaana fulinaa oo aan laga dhigin inagu
hay’adaha inaynu u shaqayno, balse loo arko inay hay’aduhu ixtiraamaan
shuruucdeena oo ay fuliyaan awaamiirteena, anigu horena waan u amray in
dalabyadaa la bixiyo, maantana sarkaalka hay’adaasi waxaan ku idhi anaga
xafiiska Nairobi nama xukumo ee waa in aad todobaad gudihii ku bixiso
raashinka dalabyada ah ee aad hayso, sidaasi ayaanu ku kala tagnay”.
Mar la weydiiyey wasiirka qaabka loo bedelo faylasha ay u gudbiyaan
hay’ada WFP, waxa uu sheegay in waraaqda ay ku dhejiyaan faylasha la soo
eegay inta laga jaro faylal kale lagu dhejiyo, sidaana raashimada lagu
qaato.
Mar la weydiiyey wasiirka qorsheynta waxa ka jira eedaha loogu jeedinayo
inay cabashadan qayb ku leeyihiin wasaaradoodu, waxa uu sheegay in aanay
arrimahaas waxba ka jirin,balse markasta kudedaalayaan sidii wax looga
qaban lahaa. Top
Sheekh Xasan
Daahir Aweys Oo Maraykanka Ku
Eedeeyey Inaanu Doonayn Dawlad Somaliya Ka Dhalata |
Qaramada Midoobey Oo Ku Taliyey In Xidhiidh
Lala Sameeyo Maxkamadaha
Muqdisho June 29, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyaha golaha shuurada maxaakimta
Islaamiga Somalia Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dowladda
Mareykanku aanay dooneyn nabad iyo dowlad ka Islaaxda Somalia mar uu
wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Shabakada warbaahinta Shabeelle.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Baydhabo G/doomiyaha golaha
shuurada maxaakiimta islamiga ah ee Soomaaliyeed sheikh Xasan Daahir Aweys
ayaa u gudbiyay madaxweynaha dalka Mareykanka George W.Bush dhanbaal
qoraal ah uu ugu baaqayo in uu dib u eego waxa uu ku tilmaamay siyaasadda
khaldan ee dowladda Mareykanku ay ku dhaqmeyso ee ku aadan dalka Somaliya.
Shiekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku macneeyay siyaasadda khaldan ee dowladda
Mareykanka ee ku aadan Somaliya in tahay taageero iyo maaliyad uu
Mareykanku uu siiyo Qab-qablayaasha iyo horjoogayaasha Maleeshiyooyinka
Soomaaliyeed.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in Mareykanku uu u kaashado
qab-qablayaasha dagaalka ololaha la la dagaalanka argagixisada ee
Mareykanku uu ka wado geeska arrika iyo waliba baacsashada hadhaaga Al-Qacida
ee gudaha Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa intaa ku daray in uuna fileyn in
madaxweynaha Mareykanku uu uga soo jawaabo qoraalkan, balse waxa u sheegay
in uu doonayo in Mareykanku in uu dib u milicsado khataraha ka dhalan kara
hadii ay sii socoto tallaabooyinka khaldan ee Mareykanku uu u qaadayo
dhinaca Soomaliya iyo waliba geeska afrika.
Dhinaca kale, Sheikh Xasan Daahir Aweys oo telphonka ugu waramayay
wargeyska Al sharqa Al Awsad ayaa sheegay in Mareykanku uu u gudbiyay laba
qoraal oo mid ka mid ah si gaar ah uu ugu diray madaxweyne Bush halka kan
kalana uu u diray kongareyska dalkaas.
Waxa qoraaladiisan uu ku xusan sheikh Aweys in uu jecelyahay in
wadahadallo ay dhex maraan isaga iyo maamulka Mareykanka, balse waxa uu
sheegay in taas macnaheedu uuna aheyn in uu ka tanaasulay go’aanadiisii ku
aadanaa in uu ka dhiso dalka Somaliya dowlad islaami ah.
Dhinaca kale, Qaramada Midoobey ayaa guddi ay kal hore u saartey iney kala
soo taliyaan sidii Midowga Maxkamadaha Muqdisho oo hadda la ballaadhiyey
iyo Qaramada Midoobey wada hadal iyo iskaashi u dhexmari lahaa talo ka soo
saarey maalinimadii shalay ahayd.
Guddigaas oo uu madax ka ahaa wasiirkii hore ee dalkaasi Germany Joshca
Fisher waxa uu ku taliyey in Maxkamaduhu yihiin kuwa taageero buuxda ka
heysta shacabka ku nool meelaha ay ka jiraan sidaa daraadeedna ay tahay
khalad xaga bani`aadminimada ah haddii la dayaco dadkii kacay ee iska
qaadey dulmigii hogaamiye kooxeedyadii aan ujeedada lahayn ee heystey.
Joshka Fisher wuxuu yidhi "Waa muhiim in shacabkii kacay lagu abaal mariyo
howshii ay qabteen mana aha in la ciqaabo" isagoo farta ku fiiqay in
hay`adaha Qaramada Midoobey ay hawlo iyo kaalmooyin kala duwannba ka qaban
jireen meelaha hadda laga saarey hogaamiye kooxeedyadii hore".
Shalay ayey ahayd markii safiirka Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya
ee fadhigiisu yahay Nairobi Francois Lonseney Fall uu xidhiidh xaga
telefoonka ah la soo sameeyey guddoomiyaha Guddiga sare ee Fulinta ee
Midowga Maxaakiimta Islaamiga isagoo u sheegey inaan Soomaalida la dayici
doonin isla markaana ku adkeeyey in maxkamaduhu ay sii wadaan wada
xaajoodka ay kula jiraan xukuumada Federaalka kumeel gaadhka ah ee
Baydhaba uu fadhigeedu yahay.
Afhayeenka Qaramada Midoobey oo ka hadlayey xidhiidhka Fall iyo Shariif ee
khadka Telefonka ayaa sheegey in Shariifku ka aqbalay dhamaan qodabadii uu
soo jeediyey Fall isagoo welibana uga mahad celiyey talooyinkaasi wuxuuna
Shariifku sheegey in dhamaan darafyada ay khuseyso arimaha nabad ku soo
celinta Soomaliya ay kala tashanayaan, isagoo aqbalay inuu la kulmo wefdi
Qaramada Midoobey ka socda oo dhowaan iman doona Soomaaliya.
Shalay gelinkii hore ayey ahayd markii ambasadoor Fall uu Nairobi kula
kulmey Ra`iisul Wasare Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo ku
adkeeyey weliba iney dhinacooda ilaaliyaan heshiiskii is afgaradka ahaa ee
ka dhacay Khartuum isla markaana sii wadaan wada xaajoodkii ay ballan
qaadeen, taas oo buu afhayeenku yidhi waa la isku afgarety.
Dhinaca kale, Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo ay hore u
deganaayeen maleeshiyooyin taabacsanaan jiray hogaamiyihii la riday ee
Max'ed Qanyare Afrax ayaa waxa gacan ku heyntiisa la wareegay ciidamo ka
tirsan midowga maxkamadaha islaamiga Muqdisho.
Ciidamadan oo ay hor kaceysay maxkamada hirgelinta shareecada Dayniile
ayaa la tilmaamay inay kula wareegeen qaab aan dhiig ku daadan, iyadoo
wararkuna ay tilmaamayaan in maleeshiyooyinkii halkaasi jooji jiray ee
gaadiidka ka qaadan jiray lacagahu ay xilligan ka maqnaayeen ayna ka war
heyn, halka warar kalena ay tibaaxyaaan in maleeshiyada hore loogu war
geliyay inay iskaga kacaan isgoyska Bakaaraha.
Si kastaba ha ahaatee maxkamadaha islaamiga ayaa weli sii wada sifeynta
hadhaadiga isbaheysiga iyadoo habeen saddexaadkiina la wareegtay gacan ku
heynta isgoys muhim ah oo ay fadhiyeen maleeshiyooyin taabacsan Col. Cabdi
Xasan Cawaale Qeybdiid waxaana arrintan soo dhoweeyay dadweynaha gobolka
Banaadir oo iyagu khaati ka taagnaa jidgooyooyinka lacagaha baada ah
lagaga qaado ee gudaha magaalada inkastoo ay weli jiraan meelo ayna
maxkamaduhu awood u laheyn inay sifeeyaan.
Dhinaca kale, Koofurta Muqdisho ayey ka taagan tahay Xiisad Colaadeed oo
laga cabsi inay ka dhex qaraxdo laba beel.
Degaanadda KM4, KM5, buulo Xuubeey,Taleex ayaa laga qaxay kadib markii
halkaas ay soo buux dhaafiyeen Maleeshiyadda Beesha Sacad oo qoryaha
darandoorigga u dhaca qaarkood la fuulay dabaqyadda Jiidahaas.
Sida ay shegayaan warar ka naga soo gaadhaya Magaalada Gaarisa ee Gobolka
waqooyi Bari Kenya Dad Somaali Ah oo isugu jira Dumar rag Dhalinyaro iyo
Dad waa weyn Ayaa ku xidh xidhan Xabsiyada waaweyn ee magaalada Gaarisa
dad kan Ayaa tiradooda saxdaa lahayn balse warar soo baxaya ayaa sheegaya
in Dadkan Laxidh xidhay Ay tiradoodu qiyaas ahaan gaadhayso 149 qof oo
Dhamaantood Ah Somaali qaxooti ku Ah.
Dadkan Laxidh xidhay Ayaa waxa ay qaarkood kayimaadeen Xeryaha qaxootiga
ee Dhadhaab Xarardheer iyo Ifo dadkan Ayaa xeryahaas waxa Ay u doonteen
warqado qaxootinimo oo ay u dirtay Hayada JVA- oo Ah Hayada dadka
qaxootiga u qaada wadanka Maraykanka waxa kaloo jira dad kale oo iyaguna
laxidh xidhay Kuwaas oo ka yimid wadanka Somaaliya Aana lahayn wax sharci
Ah sidaasna Ay dawladu u xidhay.
Waxa jiray Warqado Muujinaya qaxootinimada kuwaas oo la siiyay dadka
qaxootiga ah ee ku sugan wadanka Kenya balse warqadahaas Ayaan haatan
shaqaynayn iyadoon dad ka mar kii lasiinayey loo sheegay in Ay yihiin
Sharci ay kumari karaan dhamaan Gobolada wadanka Kenya balse warkaas
dawlada Ayaa Noqday Mid runta Ka Dheer.
Dadka Somaalida ee Ku xidh xidhan Magaalada Gaarisa Ayaa eed Dusha uga
tuuraya Dawlada Kenya iyagoo Ay dad ku Sheegeen In dawlada Kenya Ay dad ku
usheegto in Sharcigan qaxootinmo Ay kumari karaan wadanka Kenya Balse
markii Ay yimaadaan Magaalada gaarisa Laga jeex jeexo lana Weydiiyo lacag
laaluusha oo aad Ufarabadan, dadka Somaalida ah ee Ku nool wadanka Kenya
Ayaa dhibaatooyin aan la xisaabi karin kala kulma buundada Magaalada
Gaarisa.
dhinaca kale, Col. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shalay kulan balaadhan
la yeeshay beesha uu ka soo jeedo ee Sacad ayaa waxa uu si cad shaaca uga
qaaday in Cisbitalka Banadir iyo nawaaxigiisa aaney ku sugneyn ciidamo
isaga ka amar qaata, sida ay maalmahanba ay sheegayeen idaacadaha qaar ee
gobolka Banadir.
Cabdi Qeybdiid oo ku sugnaa kulan ka dhacay Jaamacadii hore ee Kulyadii
Siyaasadda ayaa sheegay in arinta lagu sheegay in ciidamo uu leeyahay ay
ku sugan yihiin Cisbitalka Banadir lagu doonayo in lagu cambaareeyo isaga
sidii Cisbitalkii Keysaney loogu cambaareeyay Maleeshiyaadka Muuse Suudi.
Waxa uuna ku tilmaamay arinkaasi mid aan sal iyo raad toona laheyn,
waxaana uu sheegay in bililiqo xoogan ay ciidamadii Maxkmadaha islaamiga
ka geysteen xaruntii uu ku lahaa Siinka dheer, taasoo ay kula kaceen
dadkii rayidka ahaa, lana doonayo intaasi lagu marin habaabiyo arinta
Cisbitalka oo la buun buuninayo.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxa uu sheegay in Cisbitalka Banadir uu
yahay Cisbitalkii hooyada iyo dhalaanka, isla markaana aanu qeyb ka nahay
amaankiisa, daryeelkiisa balse ma aha in ciidamo anagu aan leenahay ay
gabaad ka dhigteen Cisbitalka gudihiisa iyo dibadiisa intaba.
Hadalka Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo beegmay xilli shalay iyo maanta ay soo
baxayeen warar sheegaya in ciidamadiisu ay gabaad ka dhigteen Cisbitalkii
hore ee Banadir.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha golaha fulinta ee maxkamadaha islaamiga Sheekh
Shariif Sheekh Axmed ayaa kala hadlay nabad ku soo dabaalida dalka
Soomaaliya wakiilka xoghayaha guud ee QM Francois Lonsény Fall.
Mr Fall oo khadka taleefanka ku la soo xidhiidhay Sheekh Shariif ayaa uga
warbixiyay doorka QM ay ka ciyaareyso dar dar gelinta wada xaajoodka u
dhaxeeya dawladda iyo maxkamadaha islaamiga.
Afhayeen u hadlay wakiilka xoghayaha guud ee QM ayaa sheegay in Sheekh
Shariif uu u xaqiijiyay in uu diyaar u yahay sidii loo xoojin lahaa nabada
Soomaaliya, waxuuna xusay in uu uga mahad celiyay QM doorkeeda, isaga oo
muujiyay diyaar in uu yahay in uu kulan la yeesho wakiilka xoghayaha guud.
Xidhiidhkan dhex maray guddoomiyaha guddiga fulinta ee maxkamadaha
islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wakiilka xoghayaha guud ee QM
ayaa ku soo beegmay xilli uu wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud uu
Nairobi kula yeeshay Mas'uuliyiinta Dowlada Federaalka ee Md.Cali Maxamed
Geedi Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo Md.Shariif Xassan Shiikh Aadan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Top
Itoobiya Iyo
Ereteriya Oo Isweydaarsaday Eedaymo
Ku Waajahan Somaliya |
Addis Ababa/Asmara, June 29, 2006 (W.Wararka)
– Ra'iisal wasaaraha dalka Ethiopia, Meles Zenawi ayaa ku eedeeyay
dowladda Eritrea iyo Midowga Maxaakimta Islaamiga ah in ay xasilooni daro
ka ridayaan gobolka Geeska Afrika, isla markaana wuxuu Ra'iisal Wasaraha
Ethiopia ka digay in uu dalkiisu iska difaacayo khatar walba oo ka dhan
ah.
Zenawi oo u waramayey wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in
Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho ay hogaanka u qabteen xubno u badan
ururkii Al Itixaad Al Islaamiya.[...Ururka Al-Itixaad waa urur Argagaxiso
oo caalamka laga yaqaan, horeyna weeraro uga fuliyey gudaha dalka Itoobiya...]
ayuu yidhi Meles Zenawi oo sheegay in ay si gaar ah ulla socdaan dhaq
dhaqaaqyada Maxkamadaha Islaamiga ee Muqdisho. Zenawi oo hadalkiisa sii
wata ayaa yidhi [...Magacaabidii Xassan Daahir Aways ee Maxkamadaha ayaa
muujineysa in ay yihiin urur ay hogaanka u hayaan dhaq dhaqaaqa Al Itixaad
oo hore qaraxyo bambaano uga fuliyey magaalada Addis Ababa...].
Meles Zenawi ayaa beeniyey in ciidamada Itoobiya ay gudaha usoo galeen
dalka Soomaaliya, isagoo markaasi sheegay in ciidamadooda ay ku jiraan
heegan laguna xoojiyey xadka labada dal u dhaxeeya.
Meles Zenawi, wuxuu ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada
Addis Ababa in Itoobiya in ayna qabin cabsi degdeg ah oo dhinaca ammaanka
ah oo kaga timaadda dalka Eritrea iyo maxaakimta Islaamiga ah ee
Soomaaliya, hase yeeshee, ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay ka hortagto
tallaabo kasta oo cadowtinimo ah oo ay ku dhaqaaqdo xukuumadda Asmara ama
kooxaha xagjirka ee magaalada Muqdisho ku sugan.
"Waxaan xaq u leenahay in aanu iska difaacno isku day kasta ee xasilooni
daro ku keeni kara ammaankeena iyo xasiloonideena" ayuu yidhi Meles Zenawi
kadib markii saraakiisha Itoobiya ay sheegeen in ciidamada amnigu ay
dileen 111 mucaaradka Itoobiya ah oo ka soo gudbay bishan."
Meles Zenawi, wuxuu beeniyay in khatar wayn ay ka soo socoto mucaaradka,
wuxuuse ku eedeeyeeyay Eritrea in ay ku howlan tahay sidii ay xasilooni
daro uga abuuri lahayd Itoobiya, iyadoo taageeraysa mucaaradkeeda iyo
kooxaha islaamiyiinta deriska ee ku sugan dalka Soomaaliya ee lagu
eedaynayo ayuu yidhi in ay gabaad siiyaan argagixisada Al-Qaacidda.
"Eritrea, dadaalka ay damacsan tahay in ay xasilooni daro kaga abuurto
gobolka, oo kaliya ma aha in ay shixnado hub gudbiso, balse waxay kaloo
taageertaa falal kale" ayuu yidhi Meles, isagoo ka hadlayay eedo sheegayay
in xukuumadda Asmara ee Eritrea ay ku xadgudubtay cunaqabataynta hubka ee
saaran Soomaaliya, iyadoo hubaysan maleeshiyada Islaamiyiinta ah ee
Soomaaliya.
Wuxuu weriyayaasha u sheegay in Maxaakimta Islaamku ay yihiin dad naf la
caarid ah, oo koox rajo laawayaal ah, siyaasadda rajiimka Eritrea ayaa ku
dhisan in ay ka faa'iidaystaan fursadahan oo kale si ay xasilooni darro
gobolka uga dhaliyaan.
Koox khubaro ah oo ka socotay Qaramada Midoobay, ayaa bishii hore ku
eedaysay Eritrea in ay hub siinayso kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya si
meel ka dhacdyo dheeraad ah ay ugu gaysato Itoobiya, oo inta badan dadku
ay aaminsan yihiin mad-hada Orthodox ee diinta masiixiga, taasoo walwal
wayn ka qabta asalraacnimada Islaamka ee xuduudaheeda.
Eritrea way beenisay eedahay ay kooxdaasi Qaramada Midoobay ka socotay u
soo jeediyeen.
Meles Zenawi, wuxuu sheegay in Itoobiya ay xoojisay ciidamadeeda military-ga
ee jooga xadka dalka Soomaaliya, iyadoo horayna ula dagaalamay kooxo
maleeshiyooyin Islaamiyiinta oo ku sugan dalka deriska ah ee Soomaaliya.
"waan xoojinaya difaaceena dhamaan xadka si aan uga hortagno halista
ammaankeena ee laga yaabo in ay ka timaaddo dib u soo ifbixidda kooxaha
Jihaad-ka ee Muqdisho, daqiiqad kastana ilaalo ayaan ka haynaa" ayuu yidhi
Meles.
Kooxaha Islaamiyiinta ee haatan gacanta ku haya Muqdisho, ayaa ku eedeeyay
Ethiopia in ay ciidamadeeda xadka ka soo gudbeen, balse Meles si joogto ah
ayuu eedahaasi u beeniyay, balse wuxuu yidhi tallaabo noocaasi waa
suurtagal hadii kooxaha Islaamiyiintu ay xadka ka soo tallaabaan oo halis
na galiyaan.
"wakhtigan la joogo ma jirto khatar cad oo noo muuqata, wayse noqon karaan
hadii ay xadka ka soo tallaabaan, way garanayaan xadkaasi, anaguna waan og
nahay ilaa hadda ma soo tallaabin, marka looma baahna in aan hadda
tallaabo qaadno." ayuu yidhi.
Meles, wuxuu intaasi ku daray in ay indhaha ku hayaan waxa ka socda
Soomaaliya si foojigan, oo dulqaad leh, waxaan rajaynaynaa in ayna dhicin
in loo baahdo in aan tallaabo qaadno.
Balse,Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Ali Cabdu, ayaa beeniyay in
dowladiisu ay taageerto mucaaradka Itoobiya.
Wuxuu yidhi, waxaanu ognahay in mucaaradka Itoobiya ay ku sugan yihiin
gudaha Itoobiya, balse eedaynta Itoobiya ay tahay mid ay ku been abuurayso
oo ay damacsan tahay in ay diirada kaga leexiso dhibka gudaha dalkeeda ka
jira iyo galitaanka ay gashay dalka Soomaaliya.
Wuxuu intaasi ku daray in Eritrea mar walba cadaynayso siyaasadeeda
dibedda in ay ku salaysan tahay xushmaynta deriska, iyo in ayna faragalin,
isagoo beeninayay in mucaaradka Itoobiya laga soo taageero Eritrea oo ay
ku sugan yihiin.
War qoraal ah oo la siiyay weriyayaasha, ayaa sarkaal sare oo ka tirsan
wasaaradda arrimaha dibedda ee Eritrea, wuxuu sheegay in TPLF, oo jabhadda
xoraynta dadka Tigray, oo ah xisbiga ugu awoodda badan isbahaysiga haya
talada dalka Ethiopia, ay ciidamadoodu gudaha u galeen Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in ayna waxba ka jirin beenaynta TPLF ay beeninayaan in ay
galeen gudaha Soomaaliya, isla markaana awoodaha waawayn ee adduunku ay
taageerayaan.
Sarkaalkan sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibadda ee Eritrea ayaa
tilmaamay in maamulka Mareykanku uu mar hore xeryo milatari ka sameystay
dalka Jabuuti, iyo Galbeedka Ethiopia isagoo ku gabanaya qorshiisa la
dagaalanka argagixisada iyo iskudaygiisa ah in uu xaqiiqsado in ay ciidamo
u joogaan Gobolka Geeska Afrika ee aan argagixisada laheyn.
Sarkaalku waxa kale oo uu sheegay in uu Mareykanku isku dayayo in uu
xaqiiqsado in ay milatarigiisa ku joogaan dalalka Sudan, Somalia iyo
Eritrea magaca ah in ay xaqiijinayaan nabadda, isla markaana ay maareeyaan
qaska.
Sarkaalku waxa uu intaa ku daray u jeedada uu Mareykanku ka leeyahay
faragalintan milatari iyo in uu qorto calooshood u shaqeystayaal ayaa ah
in uu abuuro gobolka geeska Afrika gobolo kala go'go'an oo ayna dowladi ka
jirin, si loo meel mariyo xaalad gumumeysi cusub ah oo gobolka si buuxda
loo hoosgeeyo.
Sarkaalku waxa uu sheegay marka laga gudbo in xukuumada TPLF ee xoogeeda
siyaasadeed uu gabaabsiga yahay, in uu Mareykanku doorbiday in ay kala
shaqeyso xukuumadaasi meelmarinta Qorshaheeda weyn ee gobolka Geeska
Afrika.
Sarkaalkan sare ee wasaarada Arrimaha dibadda ee Eritrea waxa kale oo uu
intaa raaciyay in dadaal guracan hadda la wado oo lagu abuurayo in la isku
diro midowga maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo la isku dayayo
in la huriyo dagaal sokeeye oo lagu curyaaminayo ififaalaha hurumarka leh
ee dib loogu yagleelayo dibudhisada Soomaaliya mideysan.
Sarkaalku waxa kale oo uu xusay in xukuumada TPLF oo uu ka wada jabhada
Tigreega ee Ethiopia in ay ogolaasho ka heshay qorsheyaasha sare si ay
door uga qaadato sidii u burburin laheyd fursada Soomaliya iyo iyadoo
xukuumada TPLF ee Ethiopia la siinayo taageero siyaasadeed oo xoog leh iyo
badhitaar dhaqaale.
Sarkaalku waxa uu intaasi kudaray in xataa wakhtiga la joogo ay ka soo
baxayaan bayaano qeyrumas'uuliyadnimo ay ku jirto maamulka oo u muuqda in
uu aaminsan yahay in uu ogyahay waxa Somaliya, halka dhab ahaantii ayna
xataa waxba ka aqoon halka ay Somaliya ku taalo. Taasi waxay tilmaameysaa
oo kaliya in qaabka ay dowladda Mareykanku ku socoto oo ay u la dhaqmeyso
arrimaha Soomaaliya in ay xaaladda uun sii murgineyso oo ay sii xumeyneyso.
Sarkaalku waxa uu sheegay in marka ay arkeen Maraykanku xaqiiqada ah in
qorshahoodu uuna u shaqeyneyn sida ay ku talo galeen oo ah in isku dayaan
in ay ka kiciyaan xasiiloonidaro iyo qas dalka Soomaliya, ay hadda
iskudayayaan qaab ay ku gabadaan oo ay u jeedooyinkooda ku gaadhaan oo ah,
iyagoo iska dhigaya in ay ka shaqeynayaan wanaaga Soomaaliya.
Sarkaalkan Eritrea waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay, in uu ugu
baaqayo dowladaha kale duwan iyo ururada ka jira gobolka in ay ka
foojinaadaan kana baaqsadaan in si ogaan la'aan ah ay qeyb uga noqdaan
iskudayga Mareykanka ee wajiyada kala duwan leh ee dabinka loogu dhigo
shacabka Soomaaliyeed, isla markaana loo curyaamiyo fursadaha ay leeyihiin.
Top
TOTAL Oo
Dhuumihii Gudaha Haamaha Shidaalka
Berbera Ku Bedeshay Kuwo Duug Ah Oo Ruushku
Ka Saaray 36 Sannadood Ka Hor |
Dhuumaha Duugga ah ee Haamaha Dhex Yaalay
Oo Total Lacag Ku Sheegan Doonto Iyo Shuraakada ay Xukuumaddu Kula Tahay
Hargeysa, June 29, 2006 (Haatuf) – Shirkadda TOTAL ee gacanta ku haysa
Haamaha Shidaalka Berbera, ayaa bishii March ee sannadkan 2006 bedeshay
dhuumihii Haamaha Shidaalka dhexdooda oo qiyaastii 200 mitir ah, kuwaas oo
ahaa dhuumihii shidaalka qaybinayay ee xarunta shidaalku ku soo dhaco ilaa
Haamaha gudaha, iyo kuwii iskaga gudbi jiray haamaha dhexdooda, waxaanay
shirkadda TOTAL sida la sheegay ku bedeshay kuwo duug ah oo Xarunta Keydka
Haamaha shidaalka Berbera dhexdooda yaalay tan iyo waqtigii Ruushku dhisay
Haamaha Berbera ee sannadkii 1970kii oo imika muddo 36 sannadood ah laga
joogo.
Sida warar xog-ogaal ahi ay sheegeen dhuumahan duugga ah ee lagu bedelay
kuwii hore ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo wasakh iyo daxal badani
buuxiyeen, waxaana la sheegay in muddo laba bilood gaadhaysa sifayntooda
ku qaadatay shaqaalihii ka shaqaynayay, iyadoo hawshaas ay fulinayeen 6
qof oo shaqaale ah oo ay shirkadda TOTAL ka keentay dalka Djibouti, kuwaas
oo dalka yimi bishii December 2005 kana kooban hal injineer iyo shan
farsamo-yaqaan, waxaanay ilaa hadda afar ka mid ahi ku sugan yihiin
Xarunta TOTAL ee Berbera, halka laba ka mid ahi dib ugu laabteen Djibouti
bishii hore ee May 2006 markii ay shaqadaas sifaynta iyo bedelaada
dhuumahaas dhamaystireen. Wararku waxay intaas ku dareen in afarta
hawl-wadeen ee Berbera ku sugani ay sugayaan hawlo kale oo aan ilaa hadda
waxay tahay la ogeyn oo ay ka qabanayaan halkaas.
Lama garanayo sababta dhuumo duug ah oo hore looga bedelay Haamaha Keydka
Shidaalka Berbera in dib loogu celiyo keentay, ilaa haddana tafsiir kamay
bixin shirkadda TOTAL iyo Xukuumadda Somaliland toona, hase yeeshee
Injineero aqoon u leh Haamaha Keydka Shidaalka ayaa Haatuf u sheegay inay
arrintani tahay mid yaab ku noqotay dadka oo dhan, iyagoo sheegay inaanay
jirin sabab macquul ka dhigi karta in dhuumo duug ah oo marka horeba
farsamo ahaan looga bedelay in waqtigan oo muddo dheeri ka soo wareegtay
lagu bedelo kuwii hadda ku jiray oo ahaa kuwo xaaladood 100% ka wanaagsan
tahay, kana tayo fiican. Iyagoo dhinaca kalena walaac ka muujiyay tirada
lacag maalingelin ah ee ay shirkadda TOTAL ku sheegan doonto hawshan.
Sida la ogsoon yahay sannadkii hore ayay sidan oo kale shirkadda TOTAL
burburisay shantii dhuumood ee shidaalka lagaga soo nuugi jiray Markabka
ku soo xidha dekedda Shidaalka Berbera, kuna bedeshay hal dhuun ah oo
keliya, taas oo qaylo badan ka soo yeedhay bulshada Somaliland dhexdeeda,
iyadoo waqtigaas ay soo baxeen warar sheegay in dhuumahaas oo aan waxba
qabin ay shirkaddu burburisay iyadoon cidna kala tashan, isla markaana loo
tuhmay in dhuumahaas qaybihii laga gooyay loo iib geeyay dibadda, gaar
ahaan dalka aynu jaarka nahay ee Djibouti. Waxaanay hawshan cusub ee
dhuumihii gudaha lagu bedelay, ay dadka qaar ku xidhiidhinayaan taas hore,
iyagoo laga shaki qabo in halkii kuwii hore loo qaaday kuwana la geeyay,
iyadoo ay arrintaas markhaati uga dhigayaan hawl-wadeena Djibouti laga
keenay maadaama aan dalka gudihiisa laga waayin hawl-wadeeno aqoon u leh
hawshan, balse ay arrintani tahay mid ujeedo ay ka leedahay shirkaddu ku
fulinayso.
Sidoo kale shirkadda Total ayaa sheegtay inay lacag dhan $5,250,000 (shan
milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar) ku samaysay dhuunta keliya ee
ay ku bedeshay shantii dhuumood, taas oo ay shirkaddu fulisay iyadoo aanay
xukuumadda Somaliland wax heshiis ah u saxeexin, haddii aanay bilahan u
dambeeyay uga saxeexan xukuumadda [back date]. Sidoo kale lama ogga in
dhuumahan dambe ee la bedelay inay ku jiraan lacagtaas hore ee dayactirka
dhuunta hore lagu sheegay.
Dhinaca kale, warar xog-ogaal oo aanu ka helnay ilo ku dhow-dhow shirkadda
TOTAL ayaa sheegay inay shirkaddu 2500 (laba kun iyo shan boqol) oo
kaalmaha shidaalka lagu iibiyo ah ka dhisayso Somaliland, kuwaas oo la
sheegay inay shirkaddu u dhiibi doonto dadka ay danaynayso ee ka
faa’iidaysan karta, isla markaana ay shirkadu yeelan doonto kaalmahaa
shidaalka lagu iibinayo iyo booyadaha shidaalka qaybinayaba. Waxa kale oo
ay wararkaasi intaas ku dareen in qofka ku shaqaysanaya kaalmaha ay Total
dhisayso laga doonayo damaanad (deposit) lacageed oo lagu sheegay $50,000
(konton kun oo dollar).
Hawlgalkan ayaa la sheegay inay shirkadda TOTAL bilaabi doonto dhowaan
sida ku qoran foomamka ay shirkaddu samaysay ee maalgelinta cidii
kaalmahooda danaynaysa. Arrintaas oo la sheegay inay shirkadda TOTAL uga
dan leedahay inay meesha kaga saarto kaalmaha shicibku leeyahay ee
shidaalka lagu tafaariiqeeyo, isla markaana ay qiimaha ay doonto shirkaddu
ku tafaariiqayso oo ay ugaga iibiso bulshada reer Somaliland, si kooto
(monopoly) ahna ugu qabsato jilmada iyo tafaariiqaynta shidaalka
mustaqbalka dhow.
Top
Madaxweyne
Rayaale Oo 48-ka Saacadood Ee Soo
Socda U Boqoolaya Dalka Gambia |
Wasiiradda Maaliyadda iyo Warfaafinta oo ku sugan Gambia ayaa u gogol
xaadhaya ka qaybgalka Somaliland ee shirka Madaxweyneyaasha Afrika
Hargeysa, June 29, 2006 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale
Kaahin ayaa la filayaa inuu 48-ka saacadood ee soo socda u ambabaxo dalka
Gambia, magaalada Banjul, halkaasi oo uu ka furmi doono shir madaxeedkii
todobaad ee madaxweynayaasha Midawga Afrika 1-2July, 2006.
Shirweynahan waxa lagaga hadli doonaa arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha ee
Qaaradda Afrika, iyada oo si gaar ahna loogu eegi doono urur goboleedyada
dhaqaalaha ee Qaarada.
Madaxweyne Rayaale waxa la sheegay inay safarkiisan ku wehelin doonaan
Wasiiradda Arrimaha Debada Edna Aadan Ismaaciil, iyo Wasiiradda
Warfaafinta iyo Maaliyada, C/laahi Maxamed Ducaale iyo Xuseen Cali Ducaale
(Cawil) oo hadda iyagu ku sugan magaalada Banjul ee xarunta dalka Gambia,
halkaasi oo ay ugu sii gogol xaadhi doonaan sidii uu Madaxweynuhu uga qayb
geli lahaa shir madaxeedka Midawga AFrika ee halkaasi ka dhacaya bisha
July horaanteeda.
Waxa kale oo ay wararku sheegeen in safarka Madaxweynaha ee Gambia uu daba
socdo, socdaalkii uu Madaxweynuhu bishan gudaheeda ku soo kala bixiyey
wadamo ka mid Qaarada Afrika, kaasi oo uu taageero ugu raadinayey qadiyada
Somaliland sidii loogu aqoonsan lahaa dal Madax banaan.
Shir Madaxeedka Madaxweynayaasha Midawga Afrika, waxa ka horeeyey oo
shalay ka furmay magaalada Banjul ee xarunta dalka Gambia shirkii
wasiiradda arrimaha Debada ee Midawga Afrika, kaasi oo ajandayaasha lagaga
hadlayo uu meel sare kaga jiro amuurta Somalia iyo geedi socodka
dimuqraadiyadda Somaliland.
Inkasta oo safarka Madaxweynaha aan qumaati loo shaacin, haddana waxa ilo
ku dhaw dhaw Madaxtooyadu sheegeen inuu Rayaale uu xilli hore damacsanaa
hindisahaasi ka qaybgalka shirka Gambia.
Top
Dildilaacii
Ubaxa iyo Kacaankii Dhergiga |
Qaybtii 2aad
Ganat: Dadkii aad aadka iskugu dhaweydeen cid kaga jirtay ama ka qayb
qaadatay Afgambigaasi miyay jirtay?
Mengistu: Kuwo iyagu shaki uun lagu soo xidhxidhay oo lagu soo eedeyay in
gacanta lagu soo dhigay iyagoo falka ku jiray oo waliba si cad
markhaatigii loogu furay ama kuwii kale ee aan xabsiga gudihiisa ku soo
booqday waxaan ahayn dadkii kale ee iyagana lagu eedeeyay in ay qayb ka
qaateen Afgambigaasi wax caddaymo ah oo aanu ka helnay ma ay jirin.
Ganat: Waan gartay; balse haddii ay run tahay in aanad wax caddaymo ah u
hayn; tusaale ahaan waxaan ku soo qaadanayaa, waxa lagu xantaa Jeneraal
Tesfaaye Gebre kidaan inuu lug ku lahaa. Sidoo kale waxa warbaahinta
caalamka laga sheegay in dhinaca waqooyigana in Jeneraal Gebremedhin
Medhin iyo Kaasaaye Jamaada ay taageereen. Guud ahaan sideebaad u aragtaa
adigu dadkii ka qayb qaatay ama lugta ku lahaa Afgambigaasi?
Mengistu: Jeneraalada oo dhammi kama ay wada qayb qaadan qorshihii
afgambigaasi. Balse waxoogaa yar oo meelo aad u muhiim ah ku fadhiyay waa
ay ka qayb qaateen. Qaban qaabiyihii Afgambigaasi waxa kow ka ahaa oo
hormoodna u ahaa Jeneraal Mer’id Nigusee. Isaga qudhiisu waxa uu ahaa nin
caan ah oo lagu yaqaano xumaanta iyo khiyaamada. Run ahaantii aad bay
militarinimadiisu u fiicnayd. Isku soo ururinta iyo dhisidda ciidamada aad
buu ugu xeel-dheera. Balse qof aad u shar badan ayuu ahaa. Waxa uu ka soo
qallin-jabiyay kooraskii 3 aad ee ilaalada gaarka ah [Bodyguard]. Waxay
naaneystiisu ahayd oo loo yiqiinay “Sun faafiye”. Isagaana ugu wacnaa
waxaas oo dad ah in ay dambigaasi galaan siduu maalinba aayar aayar si
kaftan ah kolba sidii uu ugu sheekeynaayay. Waxaanu markii ugu horeysay ka
soo bilaabay Jeneral Abara Abebe.
Jeneraal Abera iyo Jeneraal Mer’id waxay soo ahaayeen niman in badan meel
ka soo wada shaqayn jiray oo aad u saaxiibba, waxaanay wax ka soo wada
dhigi jireen kuliyadii la odhan Jiray GANAT ee Militariga. Mar’id markaa
aad buu u yaqaanay dabeecadaha iyo meelaha uu ka jilicsan yahay jeneraal
Abera. Waxaa jirtay marar kala duduwan oo uu khaladaad yaryar sameeyay
jeneraal Abera Abebe. Wuxuu calool xumo ka qaaday canaantii aan u soo
jeedin jiray. Mar’idna waxa uu u badheedhay sidii uu uga faa’iidaysan
lahaa cadhadaasi gashay. Balse sida laga waramayay waxa la ii sheegay
intii hore Abera inuu dhag u dhigi waayay.
Labadooda Mar’id iyo Abera, aniga waxanu iskaga dhawayn Abera. Sarkaal aad
u fiican ayuu ahaa oo geesiya oo aqoontiisu iyo khibradiisuba ay aad u
fogtahay. Balse waxa kale oo uu lahaa Digtaaternimo. Hadalkana kama uu
sugi jirin. Nidaamka iyo kala danbeynta ayaan xoojinayaa inta uu yidhaahdo
ayaa buu ku leyn jiray askarta. Waxaanu go’aan kaligii ah ka gaadhi jiray
arimo ka balaadhan oo ka awood weyn. Dhinaca dagaaladana haddii aynu ka
eegno markii kaliya ee uu ka dagaalamay Misuwah waxaan ahayn marna kuma uu
guleysan. Saraakishii jirtay ee kale in uu ka xilal yaraa uma qabo. Balse
iyadoo taasi ay jirto haddana furimihii dagaalka ee uu isagu horkacaayay
dhowr jeer oo isku xiga markii uu ku guuldareysatay mar iyo laba jeerba
malaha inta aanu qoraal ku dhaleeceynay. Wixii intaasi ka dambaysay halkii
ay ahayd inuu qaato khaladkiisa oo uu sixid sameeyo ayuu cuqdad ka qaaday.
Saraakiil badan ayaa iiga soo warami jiray waxa uu odhan jiray “muddadi
dheerayd ee aan dhulkii saxaraha ahaa joogay ee aan ku soo haglamaayay
iyadoo aan maalin kaliya la iga mahad celin, haddana wixii khalad yar ee
dhaca si xun la iigu dhaleeceeyaa”. Balse anigu uma aan qabin colaadu
intaasi inta ay ka fido in ay xumaanta intaas le’eg dhalin karto.
La soco….
Top
Khilaaf Weyn
Oo Soo Dhexgalay Xamid Karsay
Iyo Maraykanka |
Kabul, June 29, 2006 (W.Wararka) – Wasiirka
Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mrs.Condaleezza Rice ayaa safar deg deg ah
ku tagtay Afghaanistaan iyadoo ay jirto xiisad soo dhexgashay Dowlada
Karasay iyo Maraykanka.
Condaleezza Rice ayaa lagu wadaa in ay Madaxweynaha Afghaanistaan Xamid
Karasaay ay kala hadasho khilaaf soo dhexgalay Dowlada Afghanistan iyo
Maraykanka oo salka ku haya dagaalada ka socda Koonfurta dalkaasi.
Xamid Karasaay Madaxweynaha Afghaanistaan ayaa si weyn ugu dhaleeceeyey
dowlada iyo ciidamada Maraykanka dhimashada iyo khasaaraha ka dhashay
dagaalada ka socda Koonfurta Afghaanistaan.
Xamid Karasaay oo isagu asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Afghaanistaan iyo
beesha Bashtuunka ayaa dhaleeceyntan soo saaray kadib markii ay dowlada
Maraykanka ku gacan seeydhay qorshe uu watay Mr.Karasaay.
Qorshaha Xamid Karasaay ayaa ahaa in la hubeeyo dadka shacabka ah ee ku
dhaqan koonfurta Afghaanistaan si ay markaasi isaga dhiciyaan
maleeshiyooyinka Dalibaanka.
Dowlada Maraykanka ayaa qorshahan ku tilmaamtay mid aan suurta gal ahayn
isla markaana ay ka muuqato in Madaxweynaha Afghaanistaan uu si gaar ah
ugu xaglinayo hubeynta beesha uu kasoo jeedo.
Maraykanka ayaa qorshaha Hamid Karsaay ku tilmaamay mid ayna ka muuqan
xilkasnimo Madaxweyne.
Arrintan ayuu si weyn uga cadhooday Madaxweynaha Afghaanistaan oo markii
ugu horeysay si kulul u dhaleeceeyey qaabka ay ciidamada Maraykanka uga
dagaalamayaan koonfurta Afghaanistaan.
Koonfurta Afghaanistaan ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay kasoo
cusboonaaday dagaalo horleh oo dhexmaray Maleeshiyooyinka Dalibanka iyo
kuwa Maraykanka uu hogaamiyo.
In ka badan 50 askarta Maraykanka iyo kuwa kale ee Shisheeye ayaa lagu
dilay dagaalada sanadkan ka socda koonfurta Afghaanistaan.
Madaxweyne Hamid Karsaay ayaa war uu shalay soo saaray ku sheegay in aan
loo dul qaadan doonin khasaaraha ay ciidamada Maraykanka u geysanayaan
dadka shacabka ah, wuxuuna dhaliilay qaabka ay hawlgaladooda u wadaan.
Mrs. Condaleezza Rice ayaa isku dayi doonta inta ay safarka ku joogto
magaalada Kabul in ay dowlada Hamid Karsaay ka dhaadhiciso in dib loo
hagaajiyo xidhiidhka labada dhinac.
Warsaxaafadeed ay shalay soo saartay Condaleezza Rice ayaa lagula taliyey
Dowlada Pakistaan in ay kala shaqeyso Afghaanistaan dhinaca la dagaalanka
waxa loogu yeedhay Argagaxisada (Dalibanka). Top
Ciidamada
Israa’iil Oo Burburiyey Warshadii
Korontada Ee GAZA |
Gaza, June 29, 2006 (W.Wararka) – Ciidamada
Yuhuuda ayaa bilaabay in ay gudaha usoo galaan Marinka Gaza iyagoo
markaasi burbur xoogleh u geystay xarumaha Korontada iyo Buundooyinka.
Taangiyada Ciidamada Yuhuuda ayaa la arkayey iyagoo gudaha usoo galaya
Marinka Gaza oo ay hore Yuhuuda uga baxday sanadkii hore.
Ciidamada Yuhuuda ayaa dib ugu soo noqday Marinka Gaza, iyagoo baadi goob
ugu jira mid kamid ah Askartooda oo ay habeen hore afduubeen
maleeshiyooyinka Reer Falastiin.
Ciidamada Yuhuuda ayaa hore u sheegay in hadii aan lasoo deyn Askariga la
qafaashay in ay xoog kusoo geli doonaan Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Yuhuuda ayaa duqeeyey xalay Warshadii
kaliya ee Korontada dhalin jirtay ee ku taalay Marinka Gaza, taasi oo
keentay in korontadii la waayo.
Diyaaradaha dagaalka ayaa sidoo kale burburiyey dhowr Buundo oo ku yaal
Marinka Gaza.
Ciidamada Yuhuuda ayaa hada fadhiisin ka dhigtay Airporka Caalamiga ah ee
Marinka Gaza oo aan isagu ka fogeyn Xuduuda Marinka Gaza iyo dhulka
Yuhuudu heysato.
Maamulka Yuhuuda ayaa sheegay in ay ciidamadooda ku amreen in ay gudaha u
galaan Marinka Gaza kadib markii uu maamulka Falastiin ku guuldareystay
inuu soo daayo askariga ay afduubeen dagaalyahanada u dhashay reer
falastiin.
Burburka ay u geysteen ciidamada Yuhuuda xarumaha korontada iyo
Buundooyinka ayaa si weyn loo dhaleeceeyey iyadoo ay dowlado ay ku jirto
Maraykanka kula taliyeen Yuhuuda in ay xakameeyaan ficilada noocaan ah.
Ciidamada Yuhuuda ayaa sheegay in maleeshiyooyinka Reer Falastiin ay
qorsheenayaan in askariga la afduubay ay si qarsoodi ah uga saaraan
Marinka Gaza, isla markaana arrintaasi ay ka hortagayaan.
Maleeshiyooyinka reer Falastiin ayaa habeen hore ku guuleystay in ay
afduubaan mid kamid ah Askarta Yuhuuda, isla markaana ay dilaan 3 kamid ah
ciidamada Yuhuuda.
Dagaalyahanada reer Falastiin ee Marinka Gaza ayaa la sheegay in ay kusoo
dhuunteen godad dhulka hoostiisa laga qoday kadibna si kadis ah weerar ugu
qaaday goobo isbaadho ama kontarool u taalay ciidamada Yuhuuda.
Maleeshiyooyinka ayaa codsaday in lasoo daayo dhamaan Haweenka iyo
Caruurta da'adooda ka yartahay 18 sano jir ee ku xidhan xabsiyada Yuhuuda,
codsigaasi oo uu diiday maamulka Yuhuudu.
Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Hambalyadda Xorriyadda
Jamhuuriyadda Djibouti Ee 27 June |
Waxan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa
ummadda reer Djibouti, munaasabadda maalinta xorriyadda ay qaateen ee
27June awgeed. Waxan u rajeynayaa reer Djibouti in bash-bash iyo barwaaqo
ku waaraan.
Kolka hore waa Eebbe mahadii kolka xigana waxa amaan mudan aabayaashii
reer Djibouti ee gartay, ee ka digtoonaaday in ay hoddo beentii Somaliweyn,
ee lagu khiyaameeyey walaalahood Somaliland. Hassan Gueled Aptidon iyo
raggii kale ee la shaqeeyey waxay ku guuleysteen in ay ku fara adeygaan
xorriyaddaa qaaliga ku joogta reer Djibouti oo aanay ku dhicin tii ku
dhacday walaalahooda Somaliland 26 June 1960.
Shacabka Somaliland iyo ka Djibouti waa laba shacab oo walaalo ah oo sina
loo kala qoqobi karrin, sidaa awgeed wanaaga ama dhibaatada la soo darista
midkood toos ayey ka kale u saameyneysaa. Shacabka Somaliland waxa lawada
ogsoonyahay qeybtii ay ka soo qaateen gobonimo u dirirkii Jamhuuriyadda
Djibouti, waana mid waajib ku aheyd, waayo dheeftii xoriyadaas waxa la
ogyahay in aanay ka qaddin. Waa isla doonasho Ilaah, xataa isku
dhowaanshaha labada maalmood ee xorriyadda Somaliland (26 June) iyo ta
Djibouti (27 June), waxa ay ka marrag kaceysaa sida labada shacab aan loo
kala dhex gali karrin. Waxa kale oo cadeyneysa isku xidhnaashaha labada
shacab, abwaankii weynaa, Alla ha u naxariistee, Timacadde ee habeenkii
calan saarka Hargeysa ka curiyey tixda caanka ah ee "Kaana siib kanna saar",
wuxu halganka gobonimo u dirirka ka bilaabay magaalada Djibouti. Waxana
hubaal ah haddii uu nolol ku soo gaadho 27 June 1977 in uu tix kale oo
taariikhda gasha u tirrin lahaa calanka wadankiisa labaad ee Djibouti.
Inkasta oo ay jireen khilaafaad soo kala dhexgalay labada ummadood ee
Djibouti iyo Somaliland, haddana abaal weyn ayey Somaliland u hayaan reer
Djibouti waxterkii ay u fidiyeen waqtiyadii kala duwanaa ee dhibaatada,
gardarrada iyo gumaadka kaga imanayey talisyadii dulmiga badnaa ee
koonfurta Somalia. Waa run, in dad badan oo reer Somaliland ahi ay
saluugsan yihiin waxtarkii reer Djibouti ee waqtiyadaasi oo ay ka filayeen
in uu intaa ka bato. Laakiin diinteena xaniifka ah ayaa ina fareysa in ay
koleyba wacan tahay in loo mahad celiyo cidii wax ku tarta intay doonto
waxtarkaasi ha leekaadee.
Haddaba waqtigan xaadirka ah Somaliland waxay ka rajeynayaan walaalahooda
reer Djibouti waxtarkii laba walaalo ahi ay isku lahaayeen. Waxanu ka
dooneynaa reer Djibouti caawimo siyaasadeed, tu dhaqaale, tu dib udhiska
wadanka ah. Wadankaa oo aanay ciddi uga warameyn sida loo curyaamiyey ee
dabadeedna diyaaradihii cashuurtii ay bixinayeen lagu soo iibsaday loo
adeegsaday in ay burburiyaan. Mida kale reer Jabuutow kolka aad wax
tareysaan Somaliland waa wax aad tartay dadkaagii, sidoo kale Somaliland
haddii ay wax tartay reer Djibouti waa wax ay istareen. Sababtoo ah
labadan shacab oo ay adagtahay sida loo kala soocaa. Waxa labada shacab ka
dhaxeeya aftirsiimo iyo jaarnimo. Waxa ka dhexeeya xidhiidh dhaqaale iyo
mid baayacmushtari oo soo jreen ah.
Sidaa awgeed waxa ay reer Somaliland filayeen in Djibouti noqoto ta iyadu
walaalahooda ku dhiiri galisa qadiyadooda, ee isgarab taagta, ee yur ka
odhan laheyd habar dugaaga. Waayo walaalnimada ka sokow, waxa u dheer
iyagoo xog-ogaal u ah in israacii 1960 kii aanu sharci aheyn, sidaa
daraadeed la soo noqoshada xorriyadda Somaliland aanay wax xeer ah oo ay
jabineysaa aanay jirrin.
Tiiyoo ay ceynkaas arrimuhu yihiin, waxa dad badani la yaaban yahay waxa
xukuumadda Djibouti ku kalifay in ay u ololeyso in Somaliland ku noqoto
godkii madoobaa ee ay dirqiga uga soo baxday. Waxanu isweydiinaa waa maxay
maslaxadda ugu jirta xukuumadda Djibouti in Somaliland ku biirto fawdada
iyo qaska ka taagan Koonfurtii Somalia? Haddii ay magaalada Lowyacado ee
xuduudka Djibouti iyo Somaliland ku taalaa ay soo gaadho sharci la`aanta
iyo jahawareerka ka taagan koonfur Somalia miyaanay taasi wax u dhimi
karrin nabadda iyo deganaanshaha Djibouti? Bal u fiirsada mashaqada loo
taag waayey, ee hadh iyo habeen ka taagan goballada Kenya ee ay deriska
yihiin Somalia. Dhibaatadaa Kenya haysata waxa Djibouti ka baajiyey in ay
ka dhacdo Jamhuuriyadda Somaliland. Kolkaa halkii aad Somaliland uga mahad
cellin laheydeen ee aad taageeri laheydeen maaha in aad si kale ka
yeeshaan. Djibouti waxa danteedu ku jirtaa wanaagaa, deganaanshaha iyo
nabadgalyada Somaliland in ay gargaarto. Djibouti waxa haboon inay ka
garaabto oo ay gacan ka geysato dimoqraadiyadda iyo waxa ay Somaliland
hirgalisay ee ay caalamkii ka foggaa qireen. Waxa kale oo aan kula
talinayaa xukuumadda mudane Ismaaciil Cumar Geelle in uu saddex arrimood
midkood yeelo marka ay la soo gudboonaato in uu ka taliyo arrimaha
wadankii Somalia la isku odhan jirey:
1. Xaq-soor wanaagsan noqo oo dhinacna ha u eexan ee cid walba xaqooda sii.
Somaliland duulaan kuma aha xaq cid kale, keedana kama ogola in cid kale
hungureyso.
2. Haddii ay kula noqoto in aad cid garabka saarto, kii Somaliland
gargaara noqo. Sababtoo ah shacabka reer Djibouti ee aad madaxweynaha u
tahay iyo ka Somaliland way iska xigeen dadka intiisa kale. Kolkaa haddii
aad gargaarto Somaliland waxaad si dadban ugu gargaartay ummadii adiga ku
igmatay oo waa waajib ku saaran.
3. Labadaa qodob ee horeba haddii ay kugu adkaadaan in aad yeesho, gebi
ahaan arrin Somaliyeedba iskaga gaabso oo waxad tidhaahdaa aniga "habartii
la iguma haleeyo". Mudane kol walba ha kaa reebanaato Somaliland inaad
cadowgooda u soo raacdo.
Gunaanadkii hadalkeyga, waxan mar labaad walaalaheyga reer Djibouti ugu
hambalyeynayaa maalinta qiimaha leh ee xorriydda 27 June. Waxan ka
rajeynayaa iyaguna in aanay walaalahooda Somaliland kala bakheyllin
hambalyeynta maalmahooda mudan ee 18 May iyo 26 June. Illaahay ha ina
garansiiyo in inagu cid walba iskaga xaq leenahay, oo in aynu isu baarikno
oo aynu istixgalinaa ay waajib inagu tahay.
Eebbow labada shacab ee Jamhuuryadda Djibouti iyo Jamhuuriyadda Somaliland
is afgarad wanaagsan ka dhex abuur.
Eebbow labadii shacab ee kheyr iyo wanaag ku bahooba naga yeel.
AAMIIN!!AAMIIN!!AAMIIN!!!
Waxa qorey: Cali Aw Xuseen Top
Talo Soo
Jeedin Ku Socota Madaxweyne
Daahir Rayaale Kaahin |
Marka hore waxaan hambalyo gaara u dirayaa
madaxweynaheena DAAHIR RAYAALE KAAHIN, anigoo ku hambalyeynaya dadaalka uu
hadh iyo habeenba ugu jiro shicibkiisan itaalka daran, siiba waxaan aad
iyo aad ugu sii hambalyeynayaa socdaalkiisii ugu dambeeyey ee uu ugu baxay
dalal ka tirsan qaaradan AFRIKA, madaxweynaha oo socdaalkan si maskax iyo
siyaasad qoto dheeriba ku dhisantahay ugu beegay wakhtigani uu isbedelka
wayni dhacay. Waxaana la odhan karaa socdaalkan iyo dadaalkan uu
madaxweynuhu libin laabay wakhtigan waxay dhalin kartaa waxaynu muddada
badan raadinaynay ee ahaa ictiraaf caalamiya oo aynu ka helno dunida,
taasina waxa kuu caddaynaysa rajada dhaw iyo yididiilada uu madaxweynuhu
sida sarbeebta ah ugu sheegay shicibkiisa. waxaanan ilaahay ka baryayaa
inuu innoo rumeeyo yididiilada iyo saxansaxadan ictiraafkee inna haysa.
Aamiiiiiiiiiiiiiiiiin Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin.
Marka xigta waxaan doonayaa inaan madaxweynaha si toos ah ugu gudbiyo
farriin talo soo jeedin ah, farriintaas oo aan filayo inay gaadhi doonto
INSHA ALLAH. anigoo farriintan ku soo koobaya dhawr qodob:
1. Maadaama ay maanta xaaladdii GEESKA AFRIKA is bedeshay, iskuna bedeshay
xaalad la odhan karo reer Somaliland waxay u noqon kartaa fursad dahabi ah
oo loo baahanyahay in sida ugu dhakhsaha badan uga faa'iidaysanno, innagoo
ka eegayna dhan walba waxa habboon inaynu kaga bilowno dalkan aynu jaarka
nahay (anigoo ka hadlaya daba joogana war maanta BBCda ka baxay oo ku
saabsanaa war saxaafadeed uu MALAZANAWI uu qabtay), waayo dalka ETHIOPIA
marnaba ma ogola mana ogolaanayso dawlad awood leh oo waliba wadaado ah oo
ka dhalata dalkii laysku odhan jiray JAMHUURIYADDII SOMALIYA, waayo waxay
ogtahay haddii SOMALIYADII hore oo kale ay soo noqoto in ayna jirayn,
waxayna maanta warwar wayn ka qabtaa wadaadadaa qabsaday koonfurta Somalia
siiba halbawlihii oo ah caasimaddii Muqdisho. Sidoo kale dalal badan oo ka
tirsan AFRIKA, YURUB iyo MARAYKAN-kuba ma ogola mana doonayaan inay arkaan
dalkii Somalia laysku odhan jiray oo dib u soo rogaal celiyey oo waliba
wadaado ama qaar ku dhawdhawi ka taliyaan. Haddaba haddii ay sidaa tahay
maxaa innala habboon innaga, illayn waatan oo gaaladii JAMHUURIYADDII
SOMALIA oo dal kaliyaata ah madoonayaan oo warwar ayey ka qabaane. Waxaan
odhan karaa inay innala habboontahay inaynu afka gacanta galino oo
caalamka baaq u dirno oo aynu nidhaahno sida ugu dhakhsaha badan hanaloo
soo gaadho haddii kale wadaada ayaa nala kacaya. ee halla ogaado. Waxaana
baaqan aynu ku koobaynaa uun sidan ama si kasii habboonba:
- Ugu horreyn Ethiopia waxaynu ka codsanaynaa inay dedaalka ay innagula
jirto sii libin laabto illayn iyada lafteedu danteeday wadataaye oo ay
siyaasaddeedan ku aadan Somalida shaaca ka qaado, toosna innoo aqoonsato,
illayn Erateriyaba waxay si cad u taageertay maxaakimta Muqdishee, haddii
kalena ay Ethiopia ogaato inay ERATARIYA iyo WADAADADAA Muqdisho qabsaday
ay u hirgali doonaan ujeedooyinkooda ku qotoma in Somalia mid ku soo
noqoto dabadeedna Itoobiya weerar lagu qaado.
- In madaxweynuhu uu caalamka baaq kulul oo cadho iyo cambaaraynba ku
jirto u diro, issagoo ku cambaaraynaya iska indho tirka ay muddada badan
wadeen, ugu dambayntana uu madaxweynuhu kaga codsado caalamka in sida ugu
degdega badan u soo gaadhaan una ictiraafaan jamhuuriyadda Somaliland,
issagoo u sheegaya caalamka in ay wadaadadii durtaba doonayaan in ay
dhaqdhaqaaqyo la mida kuwa ay ka sameeyeen koonfurta ay ka bilaabaan
Somaliland, iyagoo doonaya inay Somalia oo sal-ballaadhan oo qabsata
GEESKA AFRIKA gacanta ku dhigaan, taasina ay aad iyo aad ugu rajo
waynyihiin inay u suuroobayso haddii ay Somaliland sii ahaato sida ay
maanta tahay oo aan la aqoonsan.
- In madaxweynuhu uu aad ugu adkeeyo caalamka una sheego in haddii aan
Somaliland lala soo gaadhin ictiraaf degdegga, in ay sugaan uun dawlad
salballaadha oo Somaliland cagta marisa qabsatana ETHIOPIA, KENYA iyo
dalal badan oo ka tirsan Bariga Afrika dabadeetana isku ballaadhisa iskuna
xidha illaa iyo dawladaha carabta.
Waxaan madaxweynaha leeyahay, madaxweyne waa talo aan is idhi malaha
haddii laysla meel dhigo oo laysla yara gorfeeyo, wax waa laga qaadan
karaa. Haddaba madaxweyne dedaal kuuma dhinnee waxaan kaa codsanayaa uun
haddii ay taladani suuro gal tahay in aad caalamka sida ugu dhakhsaha
badan ugu gudbisid farriintan.
Qore: C/salaam Cismaan Cuma r(jeex), Hargeysa, Somaliland.
Top
|