Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1170 Aug.1, 2006

Madaxweyne Rayaale Oo Xadhigga Ka
Jaray Xarun Cusub Oo XImtaaxaanaadka Ah
“Dalka Yemen Haddii Qolyaha Somalia Rasaas Iyo Hub Weydiisteen Anigu Deeq Waxbarasho Ayaan Weydiistay”

“Booqashadii Rayaale Waxay Keentay In
Afriki Isku Qabsato Qadiyadda Somaliland,
Madaxweynaha Sudan-Na Shirkii Gambia
Ku Carruuroobo”

Maxay Reer Awdal Uga Aamuseen Xaq-Darrada
Aamina-Weris Loogu Diidday Shaqadii Ay Xaqa U Lahayd?
Maxamed Cumar – (Weriyaha Haatuf ee Boorama)

Baydhabo: Dareemo Iyo Tuhumo Hordhac
Ah Oo Ka Soo Baxay Sababta Iyo Cidda Ka
Dambaysay Dilkii Cabdalle Deerow Isaaq

“Ma Qabo Inay Badeecadihii Itoobiya Uga Soo Degi Jiray Dekedda Berbera Joogsadeen, Laakiin
Ganacsatada Itoobiya Waa In La Siiyo Macluumaad”

Wasiirka Qorshaynta Oo Sheegay Inay
Gobollada Sool Iyo Sanaag Ku Jiraan Qorshaha JNA-da Ee Somaliland

MA QALLOOCSHE

Maleeshiyaadka Maxkamadaha Muqdisho Oo Kala Caydhiyay Mudaharaad Lagu Taageerayo Ra’iisal-Wasaare Cali Geedi

Shirkadda Al Haashim Ee Gaadiidka Oo Mar
Kale Ka Digtay Waxa Ka Iman Kara Daabulka
Qaxootiga Dalka Kusoo Noqonaya

Kulan Ku Saabsan Ilaalinta Degaanka Oo
Hargeysa Ka Dhacay

Tababar Ku Saabsan Diiwaan Gelinta Hubka
Fudud Oo U Furmay Degmada Axmed Dhagax

“Arinta Shirka Jaraa’id Ee Wasiirku Waxay
Ahayd Khalad Dhinacayaga Ah, Arinta
TV-Guna Waa Cillad Farsamo”


Madaxweyne Rayaale Oo Xadhigga Ka
Jaray Xarun Cusub Oo XImtaaxaanaadka Ah
“Dalka Yemen Haddii Qolyaha Somalia Rasaas
Iyo Hub Weydiisteen Anigu Deeq
Waxbarasho Ayaan Weydiistay”

Hargeysa, August 1, 2006 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin
ayaa shalay xadhiga ka jaray furitaanka dhisme cusub oo loogu talo-galay Xafiiska
Imtixaanaadka Qaranka Somaliland, kaas oo laga dhisay xarunta manaahiijta qaranka ee
magaalada Hargeysa.

Furitaanka xafiiskaa cusub oo isla xaruntan Imtixaanaadka ayaa waxa ka soo qayb galay
koox wasiiro ah oo uu hormood ka yahay wasiirka waxbarashada Somaliland Xasan X.
Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), madax sare oo ka tirsan Jaamacadaha, madaxa
ka socota hay’adaha caalamiga ah iyo marti sharaf kale, ugu horeyn madaxweynaha JSL,
Daahir Rayaale Kaahin oo xafladaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ka waramay xaalada
waxbarashada dalka iyo dedaalka ay xukuumadu ugu jirto, isaga oo halkaas uga
mahad-naqay dhamaan laamihii ka shaqeeyey horumarka waxbarashada dalka, waxaanu
yidhi “Waxaan xusuustaa aniga oo Badhasaab Boorame ka ah 1992-kii, waxa jirtay mar
aanu dadka ka ilaalino in ay kuraasta ka gurtaan dugsiyada, markaa waxa aan leeyahay
raggii macalimiinta ahaa ee horumarka u sameeyey in ay ubadkoodu halkaasi ka soo
qaadaan oo halkan soo gaadhsiiyaan ayaa mahada ugu badan leh, aad baananu ugu
mahad-naqaynaa. Waxa kale oo aan halkan ka xusayaa xafiiska imtixaanaadka inuu
noqday xafiis masuuliyadiisa si fiican u gutay, xilkasnimo, sharaf iyo kraamana ku
mutaystay mudadaa imtixaanaadka la qaadayay, maadaama aanay dhicin wax imtixaanaad
ah oo la yidhi waa la xaday, taana aad baan ugu mahad-naqayaa.

Waxa kale oo aan ugu mahad-naqayaa hay’ada inaga caawisa imtixaanaadka ee African
Educational Trust oo run ahaantii qaybo badan inaga caawisay, waxaan leeyahay xafiiskan
in aan idiin furo sharaf bay ii tahay, waayo qiimaha uu leeyahay baan u imi oo ah xafiiskii
imtixaanaadka qaranka, waxaan idinku boorinayaa halkaas in aad ka sii wadaan dedaalka
aad samayseen.

Jaamacadaha markii dalkan laga hirgelinayay waxa laysweydiinayay suura-galkeeda,
waanan arkaynaa in ay maanta wax-tareen oo ay u sameeyeen himilo inamadii ka soo
baxayay dugsiyada sare, hadii aanay jaamacadaasi helin meel kale oo ay tegi lahaayeen
ma jirto. Waxa kale oo aanu aniga iyo wasiirku ka wada soconaa sidii loo samayn lahaa
ama loo xoojin lahaa Professional Schools-ka, taas oo wax badan ka tari doonta qofku inuu
si dhakhso ah u shaqo tago oo uu bulshadiisa ka shaqaysto, waayo dugsiyada sare
nimanka ka baxay ma wada heli karaan jaamacad, baahidaa jaamacadana ma wada buuxin
karayno”.

Madaxweynuhu waxa uu intaasi ku daray oo uu ka waramay safarkii uu dhowaan ku tegay
dalalka Afrika oo uu sheegay in dalalkaasi kala hadlay waxbarashada, isla markaana ay
qaar badan u balan-qaadeen inay wax kala qaban doonaan, waxaanu yidhi “Dalalka aan
dhowaan maray waan kala wada hadlay, qaar badan baa inoo ogol, waanaynu la tashan
doonaa in aad idinka bahdiina waxbarashada aad safar ku tagtaan sidii aad waxbarasho uga
raadsan lahaydeen, maadaama aynaan inagu waxbarashada ku fiicnayn, ardaydeena in aan
halkan ka wada siino, markaa waan ka helaa waxbarashada meel kasta oo aan tago, waayo
dalka Yemen anigu waxaan weydiistay haday qolyaha kale rasaas iyo hub weydiisanayeen
waxbarasho ayaan anigu waydiistay, qolyahaa galbeedka Afrika ahna aniga iyo wasiiraidii
aanu ku wada soconay waanu waydiisanay, waanay noo wada balanqaadeen, markaa
idinkana waxaa idiinka rajaynayaa in aad barnaamijkii la timaadaan oo aad hadii alle
yidhaahdo ku tagtaan dalalka aan soo maray”.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay wasiirka waxbarashada Somalialnd Xasan X. Maxamuud
(Gadhweyne), waxa uu yidhi “Waxay ummadda reer Somaliland ka marag kacaysaa waxa
weeye kalsoonida aanu ku qabno imtixaanaadkan, saddex sanno ayaan joogaa wasaarada,
weli ma arag imtixaanaad laga cabanayo, maxaa yeelay dadka gacanta ku haya ayaa ah
dad xul ah oo xilkasnimo lagu soo xulay, aqoon iyo aaminaad lagu soo xulay, sidaas
darteed ayaan looga warwarin imtixaanaadka dalka, runtiina mahada koowaad cida iska leh
waa guddidaas masuulka ka ah imtixaanaadka. Waxa kale ooh awl-wadeenadaas
imtixaanaadka iyaguna hawshaa ku weheliya gudoomiyayaasha jaamacadaha dalka oo talo
iyo tusaale la garan joogay markastaba hawl-wadeenadan”.

Wasiirku gebagabadii waxa uu mahad-naq gaar ah u soo jeediyey dhamaan hay’adaha
calaamiga ah ee sida gaarka ah u taageera wasaarada waxbarashada, gaar ahaan hay’ada
African Educational Trust oo uu sheegay in ay bixisay kharashka lagu dhisay xaruntan
cusub ee imtixaanaadka qaranka.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay dadka kale oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud
ee Waxbarashada, Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka, iyo Sarkaal ka socday hay’adda
AET.

Top


“Booqashadii Rayaale Waxay Keentay In
Afriki Isku Qabsato Qadiyadda Somaliland,
Madaxweynaha Sudan-Na Shirkii Gambia
Ku Carruuroobo”

Axmed Xaashi Dhimbiil oo ka mid ahaa dadkii ka hawlgalay booqashadii Rayaale ee Kenya
Hargeysa, August 1, 2006 (Haatuf) – Axmed Xaashi Dhimbiil oo ka mid ahaa dadkii ka
hawlgalay booqashadii Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin bishii June ku
galaa bixiyey shan dal oo ka mid ah dalalka Bariga iyo Badhtamaha Afrika ayaa yidhi.
“Socdaalkaa Madaxweynuhu wuxuu siyaasada debada ee Somaliland u furay albaabo
muhiim ah, waxaanu yagleelay xidhiidh fiican oo ay Somaliland la yeelato shan dal oo
Afrikaan ah oo ku yaala mandaqad aad u balaadhan oo muddo dheer u rigaysnaa
siyaasiyiinta Somalia iyo xukuumadooda la yidhaahdo Dawladda Ku Meel Gaadhka ah
(TFG-da)”.

Axmed Xaashi Dhimbiil waxa uu ka mid yahay aqoonyahada Somaliland u dhashay ee aan
ku dhalan.

Mr. Dhimbiil oo hadda degan waqooyiga Ameerika wuxuu markiisii hore ku noolaa dalka
Kenya, halkaasi oo uu ku dhashay, waxaanu haatan booqasho ku joogaa magaalada
Hargeysa, taasi oo ah markii ugu horeysay ee uu yimaado.

Haddaba, Mr. Dhimbiil waxa aanu ka waraysanay sida uu u arko socdaalkii Madaxweynaha
natiijooyinkii ka soo baxay iyo kaalinta uu qof ahaan ku lahaa, waxaanu ku jawaabay.
“Somaliland waxay dal ku tahay oo ay dawladnimo ku gaadhay taageerada dadka gudaha
dalka ku nool ka sokow ta ay ka hesho dadkeeda qurbaha, waxaanan tusaale u soo qaadan
karaa kaalinta aanu ka ciyaaray safarkii uu madaxweynuhu dhawaan ku tegay caasimada
Kenya ee Nairobi, taasi oo aan qabo inay ka mid ahayd guulihii ugu weynaa ee uga soo
hoyda Somaliland dhinaca siyaasada debada 10-kii sannadood ee u dambeeyey.
Madaxweynaha waxa magaalada Nairobi uga sii horeeyey wasiirka Maaliyadda Cawil Cali
Ducaale oo markiiba halkaasi ka sameeyey Xoghayn saddex xubnood oo ka shaqaysa
diyaarinta barnaamijka booqashada madaxweynaha.

Xubnaha Xoghayntani waxay kala ahaayeen Ambassador Maxamed Cabdi ooh ore safiir uga
ahaan jiray dalalka Sucuudiga iyo Masar, Maxamed Indha Buur oo dedaal xad-dhaaf ah ka
geystay inay booqashadani noqoto mid suurtogal ah iyo aniga”.

S: Ma kula tahay in booqashadan madaxweynuhu inay saamayn ku yeelan karto mawqifka
siyaasadeed ee wadamadaasi ka taagnaayeen Somaliland iyo waxa iska bedeli kara?
J: Waa Su’aal fiican, 10-kii Sannadood ee ina dhaafay Somaliland waxay diblomaasiyada
Bariga iyo Badhtamaha Afrika kaga jirtay go’doon, iyada oo dalka Kenya uu sannadihii
dambe ka soday shir loo qabtay kooxaha ku hirdamaya Somalia, Somaliland way ku
wanaagsanayd in aanay cagaha la gelin meel ay ku cartamayaan kooxahaasi, hase
yeeshee markii ay TFG-du halkaasi ka guurtay waxa lagama maarmaan noqotay in
madaxweynuhu booqasho ku tago dalka Kenya, halkaasna uga sii gudbo dalalka la deriska
ah ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika.
Booqashadaas ka dib waxa meesha ka baxday fikradii odhan jirtay Kenya, Tanzania iyo
Uganda waa meelo u xidhan TFG-da oo keli ah, waayo wadamadaasi imika waxay qirsan
yihiin in xaqiiqada ka jirta Somaliland aan la iska indha tiri karayn. Waxa kale oo ay
ogaadeen in sheekada ka jirta dalkii la isku odhan jiray Somalia aanay ku koobnayn TFG-da
oo keli ahee, balse ay dawlad la yidhaahdo Somaliland oo wax badan qabsatayna ay ka
jirto, taasi qudhideedu waa guul diblomaasiyadeed oo aanay Somaliland gaadheen haddii
aan booqashadan madaxweynuhu qabsoomin, waana arrin ahmiyad u leh ictiraafkeena,
maadaama ay Afriki tahay albaabka loo marayo aqoonsiga Somaliland, taasi oo ay hore u
sheegeen dawladaha waaweyn ee dunidu in Ictiraafka Somaliland kaga xidhan yahay
wadamo Afrikaan ah oo kaga horeeya.
Waan fahmi karaa in aan wax badan laga odhan socdaalkaa oo suurto gal maaha in
Madaxweynuhu shaaca ka qaado waxyaabihii ay is-yidhaahdeen isaga iyo madaxdii
dawladihii uu la kulmay, isla markaana waan ogsoonahay inay dadkeenu ay xiiseeyaan inay
ogaadaan waxay madaxdoodu soo kordhiyaan, laakiin waxa jira dhaqan diblomaasiyadeed
oo aan saamaxayn in wax walba banka la soo dhigo.
Waxaan run ahaantii dhaliilayaa hogaamiyaha mucaaradka ah ee yidhi madaxweynaha waa
loo yeedhoo wuu iska tegay.
Dabcan waajib bay ahayd inuu tago oo uu isku dayo in cida uu u tegayo uu wax ka iibiyo,
waxa aynu wada iibinaynaa wax kale maahee, waa Somaliland. Dawlada gaabis iyo khalad
waa lagu dhaliili karaa oo anba waad ogtihiinoo uma yaraysto, laakiin marka la iska dhaliilo
xataa haday shaqo fiican soo qabato ma haboon in sidaas la yeelo.
Guulaha booqashadii Rayaale waxay keentay in la isku qabsado qadiyada Somaliland
shirkii Gambia, madaxweynaha Sudan-na ku carruuroobo oo uu ku hanjabo inuu shirka
iskaga baxayo, haddii madaxweynaha Somaliland ka soo qayb galo.

S: Waxa la sheegay in qaar badan oo ka mid ah madaxda dawladaha Afrika ee shirkaasi
joogay aanay jeclaysan siduu u dhaqmay madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir,
wax war ah ma ka haysaa arrintaasi?
J: Waa Sidaad sheegtoo, xogta aan ka hayaa waxa weeye in ay madax badani la yaabtay
sidan uu u dhaqmay madaxweynaha Sudan, taas oo ay ku tilmaameen talaabo naf la
caarinimo ah oo madaxweynaha Sudan uu isticmaalay kaadhkii u dambeeyey lagu
horjoogsan lahaa in Somaliland ku soo biirto Midaw Afrika, sidaas darteedna mawqifka
madaxweynaha Sudan yahay ama anaga ama Somaliland kala doorta, taasi waxay
muujinaysaa in taageerada diblomaasiyadeed ee Somaliland ku leedahay dalalka Afrika
dhexdeedu ay gaadhay heer aad u sareeya. Somaliland-na ay yeelatay meeqaam aan dib
dambe loo dafiri karayn.

 

Top


Maxay Reer Awdal Uga Aamuseen Xaq-Darrada
Aamina-Weris Loogu Diidday Shaqadii Ay Xaqa U Lahayd?
Maxamed Cumar – (Weriyaha Haatuf ee Boorama)

Haweenku waa qayb ka mid ah bulshada reer Somaliland, waana kuwa qayb had iyo jeer ka qaata hawl maalmeedka qoyska iyo daryeelka ubadkaba, sidaa darteedna waxay mar walba mudan yihiin in la siiyo muhiimad isla markaana laga ilaaliyo wax kasta oo u keeni kara naxdin, welwel iyo waxyeello kaleba. Dhinaca kale haweenku waa kuwa maanta ragga Somaliland ku dhisan yahay, waxayna ka soo qayb qaateen dagaaladii lagu ridayey xukunkii milateriga ahaa ee Siyaad Barre, sidaa dareedna waxay mar kale mudan yihiin in xaqooda ay ka helaan dalka.

Haddaba markaan eegno siyaasadda xukuumadda Rayaale kula dhaqmayso haweenka ayaad mooddaa inay xadgudub ku tahay Haweenka Somaliland, isla markaana si kasta oo looga fogeyn karo siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarkaba ay ka shaqaynayaan laamaha dawladda ee xilku ka saarraa inay kor u qaadaan haweenka. Tusaale ahaan arimaha ama dhibaatooyinka haweenka meel kasta oo ay joogaanba ka soo gaadhay xukuumadda Rayaale way badan yihiin, waxanse tusaale u soo qaadanaynaa saddex ka mid ah haweenka aqoonyahanada ah, kuwa siyaasiyiinta ah iyo kuwa socotada ah ee Somaliland yimi.

Ha ugu horreysee laba sannadood ka hor waxa Hargeysa lagu xidhay gabadh yar oo la yidhaahdo Samsam markii lagu eedeeyey inay falal ammaan-darro ah ka samaynayso dalka, arrintaa Samsam sidii ay Somaliland sumcaddeeda iyo dadkeeda u dhaawacday nin garanayaa og. Waxa kale oo jirtay iyaduna haweenay isu soo sharraxday siyaasadda oo reer Awdal ah, taas oo aakhirataankii ka soo baxday xisbiga Kulmiye, ahna maanta xildhibaan ka tirsan baarlamaan Somaliland ee la soo doortay. Wakhtigii doorashada lagu jiray, haweenaydaa oo la yidhaahdo Ikraan Xaaji Daa’uud, wixii ka qabsaday ololihii waa la oggaa. Waxa la shiiday taageerayaasheedii, qoyskeeda xubno ka mid ah, iyadoo dhinaca kalena xukuumaddii iyo dadkii ay doorashada u xilsaartayba isku dayeen inaanay marnaba soo bixin iyadoo calaamaddii lagu dooran lahaa laguna aqoonsan lahaa, oo noqon lahayd sawir gabdheed, la siiyey nin u sharraxan xisbiga UDUB, iyadana lagu khasbay calaamad kale oo aan taageerayaasheedu aqoonsan karin balse Illaahay baa u hiiliyey.
Waxa dhibta soo gaadhay Marwo Ikraan X. Daa’uud ugu dambaysay in xukuumaddu dareen xun ka bixisay urur wax ka qabta adeegyada bulshada reer Awdal u baahan yihiin oo ay qabanqaabinaysay labadii bilood ee aynu soo dhaafnay, balse aakhirataankii shacbigu samaysteen, iyadoo dhinaca kalena dacaayado ka fidinayeen dadka reer Awdal ee inta badan taageera xukuumadda Rayaale, Ikraan-na u arkaya inay tahay mucaarad cadow u ah.

Si kastaba ha ahaatee haweenayda saddexaad ee aan qormadan ku soo qaadanaynno ayaa ah haweenayda la yidhaadho Aamina-weris, ahna marwada guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo). Haweenaydaasi shaqo ayey tartan uga gashay Hay’adda CARE international, weyna ku guuleysatay inay weliba noqoto cidda hawlaha hay’addaasi isku dubaridda. Muranka gabadhaasi shaqada ay heshay la geliyey ayaa kalliftay in shacbiweynaha Somaliland iyo golayaasha qaranka qaarkood u arkeen gef aan geed loogu soo gabban, go’aanna waa laga soo saaray inay hesho shaqadeedaa.

Muranka soo jiitamayey ee la geliyey haweenaydaa shaqadeeda, oo la siiyey nin sawaaxili ah, ayaa waxay dhawaan go’aansatay inay iskaga hadho markii ay warbaahinta u sheegtay in Madaxweyne Daahir Rayaale si badheedh ah u horjoogsaday.
Haddaba su’aashu waxay tahay, tan iyo markii shaqada laga horjoogsaday gabadhaas iyo maanta oo ay iskaga hadhay, reer Awdal marnaba ma ka hadleen xaqa haweenaydaasi u leedahay inay shaqo dalka ka qabato, maadaama ay tahay muwaadinad Somaliland u dhalatay? Jawaabtu waa maya.

Reer Awdal waxay xukuumadda iyo golayaashaba ku leeyihiin wasiirro, xildhibaanno, aqoonyahanno, iyadoo dhinaca kalena inta Hargeysa joogta iyo inta gobolkan joogtaaba isugu jiraan culimaa’u-diin, waxgarad iyo shicib kaleba, kuwaas oo dhammaantood daawanayey, kana aamusnaa haddii aanay taageerinba waxa xukuumadda reer Awdal hoggaaminayaan ku samaysay gabadhaas. Waa wax laga xishoodo ayaan odhan karraa in ummad dhammi ka soo horjeesato ama isugu tagto sidii loo diidi lahaa xaq haweenay muwaadinad ahi u leedahay inay shaqo ka hesho dalkeeda.

Dhinaca kale reer Awdal oo lagu yaqaan diin iyo dhaqan wanaagsan loogama fadhiyin inay gabadh reer Somaliland ah tusaan ficillo aan ku jirin dadkeeda iyo sharciga dalka waxana laga yaabaa in arrintaasi baal madow kaga qormi doonto taariikhda reer Awdal, maadaama shicib iyo dawladba laga waayey qof u doodda xuquuqda haweenaydaas u dhalatay gobolada kale ee Somaliland, taas oo ay dadka goboladaas kale u dhashay codkii ugu badnaa ee uu ku soo baxay siiyeen Madaxweyne Daahir Rayaale markii uu u tartamayey kursiga dalka u sarreeya ee maanta uu haysto.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa dhinaca kale ka hadlay arrintan, isla markaana aan moodayn in xaalka gabadhaasi sidan ku dambayn doono ama laga horjoogsan doono shaqadeeda, balse nasiib-darro ku tilmaamay in qayladii ay dad badani arrintaas ka dhiibteen noqotay biyo col-dhaanshay, waxayna la yaabeen waxa masuuliyiinta dalka ugu sarraysa kaga xidhan inay gabadhaas shaqada u diiddaan.
Waxa kale oo aad moodaa inay Madaxweyne Rayaale ilaaway inay gabadha uu shaqada u diidday tahay xaaskii ninkii uu 80-ka cod kaga helay ee u haniyeeyay kursiga ugu mudan dalka, isna xaaskiisii shaqo yar oo ay hay’ad ajnebi ah ka heshay uga qaaday nin Sawaaxili ah.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Rayaale meel kaga dhacay hido-samida iyo milgaha dhaqan ee lagu yaqaan dadka Soomaalida ah guud ahaan, gaar ahaanna reer Somaliland kaas oo dhigaya inay haweenku yihiin birma-geydada ugu mudan ee ay muxarimka tahay in xumaan loo quudho, waxaanay Soomaalidu halhays u leedahay “gabadhi waa dhaxdin ama waa dhalasho”.

Inkastoo Hay'adda Care aanay ka hadlin arrinta gabadhaas, haddana waxay ka warhaysaa siday wax u socdaan iyadoo laga yaabo inay mar uun ka hadasho waxa dalka ka jira, ama laga yaabo in hay'addu buugaagteeda ku qorato sida uu yahay sharciga iyo caddaaladda Somaliland, taas oo caalamka ka sugaysa in la aqoonsado.

Ugu dambayntiina mar haddii aan qof reer Awdal ah laga hayn canaan ay xukuumadda Rayaale iyo madaxweynaha laftiisaba ugu sheegayaan in arrinta gabadhaasi keeni karto sawir aan ku qurux badnayn waddaninimada iyo midnimada Somaliland, raadna laga yaabo inay ku reebto dedaal kasta oo ay mar kale reer Awdal ku doonayaan inay dalka ku xukumaan, ayaa loo baahan yahay in inta goori goor tahay haweenaydaas la siiyo shaqada ay ku guuleystay.
 

Top


Baydhabo: Dareemo Iyo Tuhumo Hordhac
Ah Oo Ka Soo Baxay Sababta Iyo Cidda Ka
Dambaysay Dilkii Cabdalle Deerow Isaaq

Baydhabo, August 1, 2006 (Haatuf) – Siyaasiyiin ku sugan magaalada Baydhabo ayaa tuhumo iyo dareemo hordhac ka muujiyey sababta iyo cidda ay u arkaan inay ka dambaysay dilkii lagu fuliyey wasiirkii dawladda Imbagati u qaabilsanaa dastuurka iyo arimaha federaalka, Cabdalle Deerow Isaaq oo Alla ha u naxariistee Jimcihii 29-kii Julay, 2006 lagu toogtay badhtamaha magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dawladda C/laahi Yuusuf.

Sida ay sheegeen wararka Baydhabo waxa jira tibaaxo iyo warar hordhac ah oo ay dadka xog-ogaalka u ah arimaha iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee kooxaha dawladda C/laahi oo ku saabsan dilkii Cabdalle Deerow Isaaq, waxayna dur-ba xubno ka tirsan baarlamaanka dawladdaasi bixiyeen tuhumo iyo dareemo ku saabsan cidda ay u tirinayaan inay ka dambaysay dilkii Marxuum Cabdalle Deerow iyo weliba sababta ay ugu tirinayaan.

Mid ka mid ah ragga wararka faafiya oo Baydhabo ku sugan, ahna suxufi madax banaan [freelance journalist] oo magaciisa la yidhaahdo Hassan Qorane ayaa xog-waraysiyo iyo wada sheekaysi kala yeeshay qaar ka mid ah ragga siyaasiyiinta ah ee arintaa ka hadlay, wuxuuna ninkaa suxufiga ahi arintaa kala sheekaystay ugu yaraan saddex nin oo xubno ka ah baarlamaanka iyo dawladda Imbagati, kuwaas oo magacyadooda qariyey, laakiin ninkaa suxufiga ahi waxa uu arintaa ka diyaariyey war-bixin, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay:
“Saddex ka mid xildhibaanada baarlamaanka dawladda Federaalka Somaliya oo Baydhabo ku sugan ayaa xog-waran iyo tuhumo dareen leh ka bixiyey waxyaalaha ay u arkaan inay keeneen dilkii lagu fuliyey wasiirkii dastuurka iyo arimaha federaalka dawladda C/laahi Yuusuf, kuwaas oo aan arintaa kala sheekaystay, laakiin ka cudur-daartay inaan magacyadooda baahiyo waxay ugu horayn sheegeen inuu jiray khilaaf siyaasadeed uu muddo soo jiray oo u dhexeeyey Cabdalle Deerow iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee dawladda Federaalka Somaliya.

Mid ka mid ah saddexdaa xil-dhibaan ayaa isagoo arintaa ka hadlaya yidhi “ horta anigu kalsoonidii maan dawladda , Cabdalle Deerowna wuxuu u god-galay afar arimood oo ahaa waxa uu aaminsan yahay”.

Xil-dhibaanaddan oo aan waydiiyey nooca uu ahaa iyo cidda uu ka dhexeey khilaafka ay sheegeen inuu Cabdalle Deerow qayb ka ahaa ayuu mid ka mid ah saddexdaa xildhibaan ku jawaabay “madaxweynaha C/laahi Yuusuf ayaa kow ka ahaa ragga ay Cabdalle Deerow kala fogaadeen”.

Mid kale oo ka mid ah saddexdaa xildhibaan ayaan isna waydiiyey bal inuu ka waramo arimaha ay Cabdalle Deerow iyo C/laahi Yuusuf ku kala fogaadeen ayaa ku jawaabay “afar qoddob ayey C/laahi Yuusuf iyo Cabdalle Deerow ku kala fogaadeen, kuwaas oo kala ah:
Qoddobka 1aad: waa Go’aanka dhulka lagu keenay Am-xaarada oo uu madaxweynuhu keligii goostay, una yeedhay Am-xaarada maanta dalka joogta, taas oo uu Cabdalle Deerow aad iyo aad uga soo horjeestay. Ta kale Cabdalle Deerow wuxuu si xor ah uga hadlay beenintii ra’iisal-wasaare Geedi iyo madaxweyne C/laahi Yuusuf ee ay beeniyeen inay dalka Am-xaaro joogto, wuxuuna Cabdalle Deerow beenintaa ku tilmaamay sheeko kaafirnimo ah iyo dadka Soomaaliyeed oo la qaldayo. Dabadeedna mawqifka Cabdalle Deerow istaagay ee ahaa in runta laga sheego Am-xaarada dalka timi iyo ciddii soo gelisay waxa aad iyo aad uga soo horjeestay oo diiday in laga hadlo C/laahi Yuusuf, waxaana hadaladii uu marxuumku arintaa kaga hadlay ka mid ahaa “Somaliya iyo in Am-xaaro joogto ka weyn wax faraqa iyo Carrabkaaga lagu qariyo”.

Qoddobka 2aad: Waxa kale oo uu C/laahi Yusuuf aad iyo aad uga biyo-diidsanaa iyadoo uu Cabdalle Deerow uu xidhiidh dhow la lahaa siyaasiyiin uu ka mid yahay C/qaasin Salaad (madaxweynihii dawladdii Carta). Waxa kale oo uu C/laahi Yuusuf tuhun ka qabey inuu Cabdalle Deerow xidhiidh la leeyahay maxkamada Muqdisho ka taliya, waayo waxa ka mid ah waxyaalaha tuhunka keenay, iyadoo uu Cabdalle Deerow marar badan ku canaantay C/laahi Yuusuf inuu maxkamadaha Muqdisho la shaqeeyo, gaar ahaan markii ay dagaalamayeen hogaamiye-kooxeedyada iyo maxkamaduhu, waxaana jirtay marar uu C/laahi Yuusuf u dheg-nuglaa dhawaaqyada Cabdalle Deerow ee ah inuu maxkamadaha la shaqeeyo. Hase yeeshee markii ay maxkamaduhu ka guulaysteen hogaamiye-kooxeedyadii C/laahi Yuusuf aad buu uga soo horjeestay maxkamadaha iyo cid kasta oo doonaysa in lala shaqeeyo. Sidaa darteed wax qarsoon ma aha inuu Cabdalle Deerow dhawr jeer ka dal-badday C/laahi Yuusuf inuu dalka Am-xaarada ka joojiyo iyo in lala shaqeeyo maxaakiimta, hadaladaasise waxay C/laahi Yuusuf ku noqdeen laf-dhuun mari-wayday.

Qoddobka 3aad: Waa la wada ogyahay inay C/laahi Yuusuf iyo marxuum Cabdalle Deerow si rasmi ay iskaga horyimaadeen arimaha federaalka, waayo Cabdalle Deerow wuxuu aaminsanaa in arimaha federaalka loo dhigo si waafaqsan sharcigii 1960-kii, iyadoo laga duulayo midnimadii labadii Jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Somaliya, laakiin C/laahi Yuusuf wuxuu mar walba u muuqday nin is-barbar-dhigaya Somaliland iyo gobolada bari (Puntland) ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo, waxaan maalin ay Cabdalle Deerow iyo C/laahi Yuusuf si xun isugu af-dhaafeen fekerka ku saabsan federaalka, taas oo uu Cabdalle Deerow waydiiyey C/laahi Yuusuf su’aal ahayd miyaad odhanaysaa saddex Jamhuuriyadood baa midoobay 1960-kii ?, taasna aad iyo aad ayuu C/laahi Yuusuf uga cadhooday, wada hadalkii socdayna wuu ka baxay, isaga oo aan xataa odhan iga raali ahaada.

Qoddobka 4aad: Cabdalle Deerow wuxuu ka mid ahaa mudanayaasha mar walba sida xooggan ugu dhaleeceeya C/laahi Yuusuf inuu musuqmaasuq ba’an ku hayo wixii yaraa ee deeqda ahaa ee caalamku u fidiyey ummadda Soomaaliyeed, taas oo uu C/laahi Yuusuf doono in wax kasta oo caawimo ah oo aduunku ina soo gaadhsiiyo ay jeebkiisa ku dhacaan ciddina aanay ka daba hadlin, wuxuuna Cabdalle Deerow ahaa geesi aan kelmadiisa kala gabban C/laahi Yuusuf”ayey yidhaahdeen mudanayaashaasi, laakiin waxaan markii dambe waydiiyey su’aal ah, markaa ma waxa idinku jira inuu C/laahi Yuusuf ka dambeeyo dilka Cabdalle Deerow, waxayna sheegeen inay taa rumaysan yihiin, balse mar kale ayaan waydiiyey, waxa jira dad dilkii Cabdalle Deerow loo hayo, taa ka warrama, waxayna ku jawaabeen “kuwaa la hayaa waa raad gadasho, waana qofaf maqaar saar ah oo aan dembi lahayn, bal qabsoo waa laga yaabaa inay dilaan oo yidhaahdaan waa haynaa ciddii dilka ka dambaysay, taasi waa wax hore looga bartay”ayey hadalkooda ku soo gebagebeeyeen.

Marka la isku soo ururiyo waxyaalaha ilaa hadda ay raggani hayaan kama bad-na tuhun iyo dareemo ay ku salaynayaan khilaafaad siyaasiya oo ay xog-ogaal u ahaayeen sidii ay wax u dhacayeen, laakiin ilaa hadda may soo bixin warar rasmi ah oo daboolka ka qaadaya ciddii ka dambaysay iyo sababta dilka loogu fuliyey Cabdalle Deerow Isaaq.

Dilkii Cabdalle Deerow aad baa looga hadal hayaa magaalada Baydhabo, waxaana la aaminsan yahay inuu dilkaasi ahaa mid la qorsheeyey, isla markaana uu ninkaasi u dhintay wixii uu aaminsanaa, waxaana magaalada Baydhabo ka aloosmay buuq iyo wisiisi isu soo bax ah oo lagaga soo horjeedo dilkii Cabdalle Deerow.

Qaar ka mid ah dadkii reer Baydhabo ee taageersanaa marxuum Cabdalle Deerow ayaa markii ay mudaharaadyada magaalada ku dhex-marayeen waxa ka mid ahaa weedhaha ay ku dhawaaqayeen, Am-xaaro dalkayaga la dooni-mayno, daayeero dooni-mayno, doolar-qaate dooni-mayno, dad la dilo dooni-mayno, dawladdan dooni-mayno ”.
 

Top


“Ma Qabo Inay Badeecadihii Itoobiya Uga Soo
Degi Jiray Dekedda Berbera Joogsadeen, Laakiin
Ganacsatada Itoobiya Waa In La Siiyo Macluumaad”

Ambassador Wubishet Demissie - Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland
Hargeysa, August 1, 2006 (Haatuf) – Ninka ay dhowaan dawladda Itoobiya u soo
magacawday safiirka u fadhiyi doona Somaliland ee u qaabilsanaan doona arimaha
ganacsiga iyo ka shaqaynta xidhiidhada labada dhinac oo magaciisa la yidhaahdo
Wubishet Dimissie ayaa ka waramay halka uu marayo iyo istaraatijiyadda ay dawladdiisu
ka leedahay xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Sidoo kale waxa uu
safiirkani ka hadlay badeecadihii dawladda Itoobiya uga soo degi jiray dekedda Berbera oo
mudooyinka dambe aan soo degin iyo weliba ujeedada ay dawladda Itoobiya ka lahayd inay
badeecado ka soo dejiso dekedda Berbera, wuxuuna Mr. Wubishet Dimissie arimahaa kaga
hadlay waraysi gaar ah oo uu wargeyska Haatuf shalay la yeeshay, isagoo ku sugan
xafiiskiisa magaalada Hargeysa, waraysigaasina waxa uu u dhacay siddan:

S: Waa sidee xidhiidhka ganacsi ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya tan iyo markii aad
noqotay safiirka?
J: Wuu wanaagsan yahay, waxaana jirta in Somaliland waxyaabo badan la soo degto,
sidaas darteed waxaan rajaynayaa in ganacsatada Itoobiya yimaadaan oo ay sahansadaan
fursadaha ganacsi ee laga heli karo Somaliland, iyada oo ay reer Somaliland-na iska
eegayaan qiimaha iyo tayada alaabada ay ganacsatada Itoobiya doonayso inay u soo
diraan Somaliland, Iyada oo ay Itoobiyaanku doonayaan sidii ay alaabadoodu ula tartami
lahayd alaabooyinka ganacsiga Somaliland debedaha.
Sidoo kale waxa jira ganacsato reer Somaliland ah oo ay wada shaqeystaan kuwo
Itoobiyaan ah oo hawlo ganacsi oo la xidhiidha wax soo saarka Somaliland ay ka wadaan
Itoobiya, markaa iminka waxaanu wadnaa sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee
labada dhinac, markii aan imidna waxaan isku dayey inaan eego suuqa Somaliland, iminka
waxa jirta in waxyaabaha ay Itoobiya soo saarto qaarkood ay ku jiraan suuqyada
Somaliland, sida Makaroonaha iyo Baastada iyo waxyaabo kale, sidaas darteed waxaanu
doonaynaa inaanu xidhiidhkaas sare u qaadno. Sidaad ogtahay Itoobiya waxa laga yaabaa
inay leedahay awood ay kula tartanto alaabooyinka debada looga keeno Somaliland oo ay u
soo dirto Somaliland, alaabooyinkaas oo ay ka mid yihiin khudrada kala duwan iwm.
Ganacsatada Somaliland-na mar horeba way bilaabeen inay Itoobiya u iib-geeyaan wax soo
saarkooda, waxaanan ilaa iminka ogahay shirkad kaluumaysi oo kaluunka u dirta Itoobiya,
sidoo kale waxa jirta wershadda Saabuunta Burco oo iyaduna iminka ku guda jirta sidii ay
Saabuunta ugu diri lahayd Itoobiya.

S: Ma jiraa wax wada hadallo ah oo ay xukuumadaada iyo Somaliland ka yeesheen
arrimaha cashuuraha labada dal iyo sidii loo dhimi lahaa si uu kor ugu kaco isu socodka
ganacsiga labada dal?
J: Waxaan akhriyey qoraalo (document-yo) la xidhiidha arrintaas, waxaanan la kulmay qaar
ka mid ah dadka ganacsatada ah, waxaanan maqlay inay jiraan dedaalo la doonayo in la
isugu keeno labada dhinac, kaas oo ku saabsan sidii la isugu xidhi lahaa ganacsatada
Somaliland iyo kuwa Itoobiya.
Waxaan la kulmay Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland, waxaanuna ka wada
hadalnay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsiga labada dal, isla markaana loo
fududayn lahaa hawlaha isu socodka ganacsiga labada dal, waxaanuna ku heshiinay in la
isku xidho Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Rugta Ganacsiga Itoobiya, waxa kale oo aanu
ku heshiinay in loo diro wefti ganacsato reer Somaliland ah dalka Itoobiya, si looga midho
dhaliyo is-dhexgalka ganacsatada labada dal.
Marka la eego dhinaca cashuuraha, dabcan Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh
wanaagsan, waxaan filayaa in mawduuca cashuuruhu aanu noqon doonin mid dhibaato leh
oo ay labada dhinacba ka faa’iidaysan karaan, ujeedadayaduna waxa weeye horumarinta
labada dhinac.

S: Marka ay noqoto ganacsiga, si loo horumariyo waxa loo baahan yahay, in LC-yo laga
furto baananka labada dhinac, sidee bay arrintaasi iminka u shaqaysaa?
J: Arrimaha ganacsigu had iyo jeer waxay ku salaysan yihiin, ama sal u ah hay’adaha
dhaqaalaha ee Caymiska iyo Baananka, waqtiga hadda la joogo Baanka Somaliland iyo ka
Itoobiya ayaa ka wada shaqeeya socodsiinta hawlaha ganacsi ee labada dal, si ay u
fududeeyaan LC-yada iyo isu gudbinta lacagaha ee la xidhiidha arrintaas, markaa ma jiro
wax dhibaato ah oo dhinacaas LC-ga ka jiraa, inkasta oo aanu Somaliland ka jirin Baan
gaar loo leeyahay (baan anay dawladdu lahayn) Laakiin waxa shaqeeya Baanka Qaranka
Somaliland, oo u shaqeeya sidii Baan Qaran iyo mid gaar ahba. Si uu u fududeeyo isu
gudbinta ganacsiga labada dal.
Baanka Itoobiya iyo ka Somaliland ayaa ah labada Baan ee keliya ee ka shaqeeya arintaa.
Hase yeeshee kama shaqeeyaan xidhiidhka Somaliland iyo dalalka kale ama Itoobiya iyo
dalalka kale, balse waa Somaliland iyo Itoobiya isku xidhkooda dhinaca dhaqaalaha, laakiin
haddii isku xidhkani u baxo meel kale (dal kale), waxa laga yaabaa inay meesha soo gasho
arrinta aqoonsigu iyo xidhiidhka baananka kale iyo dhibaatooyinka lagala kulmi karo
arrimahaas. Laakiin iminka waxa ay ka shaqeeyaan oo keli ah arrimaha ku saabsan isu
gudbinta dhaqaalaha ee Somaliland iyo Itoobiya.

S: Beryahan ma jiraan Gaadiidkii Itoobiya ee daabuli jiray alaabooyinka idiinka soo dega
Berbera, arrintaasi miyey joogsatay, maxaase dhacay?
J: Waad ogtahay in bushcuradihii ugu horeeyey ee Itoobiya uga soo degay dekedda
Berbera intooda badan ay lahaayeen hay’adaha dawladda Itoobiya, taas oo looga dan lahaa
in lagu dhiiri geliyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Itoobiya inay isticmaalaan dekedda
Berbera, waxaana la rajaynayey inay talaabadaas ku daydaan ganacsato badani, mana
qabo inay badeecadaha Itoobiya uga soo degi jiray dekedda Berbera gebi ahaanba
joogsadeen, laakiin waxa laga yaabaa in bushcuradaha maraakiibta sidaa ay waqti ku
qaadanayso inay soo gaadhaan Berbera, sidoo kale Waxaanu doonaynaa inaanu dekedda
Berbera ku dhiiri gelino inay wax kala soo degaan ganacsatada Itoobiya. Waxaanan filayaa
inay ganacsatada Itoobiya heli doonaan macluumaad ku saabsan dekedda Berbera iyo
adeegyada dejinta, rarista iyo dhoofinta ah ee ay u qaban karto dekeddu ganacsatada iyo
sharciyadda la xidhiidha dhinaca daabulka.
Hawlahaas oo dhan waxa u qabta ganacsatada Itoobiya dekedda Djibouti, halkaas oo ay la
qabsadeen, markaa haddii aynu doonayno inay ganacsatada Itoobiya isticmaalaan dekedda
Berbera, waxa loo baahan yahay in la siiyo macluumaad (Information) iyo sawir si cad u
muuqda (Clear picture) oo ku saabsan dekedda Berbera. Sidaas darteed waxaan
rumaysnahay in dekedda Berbera laga iibiyo (si fiican loo tuso) ganacsatada Itoobiya.
Haddii kale waxa laga yaabaa inay kala googo’aan badeecadaha Itoobiya uga soo dega
dekedda Berbera, sidaas darteedna waa in ilayn dawladda Itoobiya ma ganacsatee,
macluumaadka ay u baahan yihiin ganacsatada Itoobiya la siiyaa, si ay ugu dhiirradaan
isticmaalka dekedda Berbera, loona joogteeyo arrintaas.

S: Ka warran xidhiidhka xagga siyaasada ee Somaliland iyo Itoobiya?
J: Guud ahaan waanu dhiirigelinaynaa horumarinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah .

Top


 

Maxay Reer Awdal Uga Aamuseen Xaq-Darrada
Aamina-Weris Loogu Diidday Shaqadii Ay Xaqa U Lahayd?
Maxamed Cumar – (Weriyaha Haatuf ee Boorama)

Haweenku waa qayb ka mid ah bulshada reer Somaliland, waana kuwa qayb had iyo jeer ka
qaata hawl maalmeedka qoyska iyo daryeelka ubadkaba, sidaa darteedna waxay mar walba
mudan yihiin in la siiyo muhiimad isla markaana laga ilaaliyo wax kasta oo u keeni kara
naxdin, welwel iyo waxyeello kaleba. Dhinaca kale haweenku waa kuwa maanta ragga
Somaliland ku dhisan yahay, waxayna ka soo qayb qaateen dagaaladii lagu ridayey
xukunkii milateriga ahaa ee Siyaad Barre, sidaa dareedna waxay mar kale mudan yihiin in
xaqooda ay ka helaan dalka.

Haddaba markaan eegno siyaasadda xukuumadda Rayaale kula dhaqmayso haweenka
ayaad mooddaa inay xadgudub ku tahay Haweenka Somaliland, isla markaana si kasta oo
looga fogeyn karo siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarkaba ay ka shaqaynayaan laamaha
dawladda ee xilku ka saarraa inay kor u qaadaan haweenka. Tusaale ahaan arimaha ama
dhibaatooyinka haweenka meel kasta oo ay joogaanba ka soo gaadhay xukuumadda
Rayaale way badan yihiin, waxanse tusaale u soo qaadanaynaa saddex ka mid ah
haweenka aqoonyahanada ah, kuwa siyaasiyiinta ah iyo kuwa socotada ah ee Somaliland
yimi.

Ha ugu horreysee laba sannadood ka hor waxa Hargeysa lagu xidhay gabadh yar oo la
yidhaahdo Samsam markii lagu eedeeyey inay falal ammaan-darro ah ka samaynayso
dalka, arrintaa Samsam sidii ay Somaliland sumcaddeeda iyo dadkeeda u dhaawacday nin
garanayaa og. Waxa kale oo jirtay iyaduna haweenay isu soo sharraxday siyaasadda oo
reer Awdal ah, taas oo aakhirataankii ka soo baxday xisbiga Kulmiye, ahna maanta
xildhibaan ka tirsan baarlamaan Somaliland ee la soo doortay. Wakhtigii doorashada lagu
jiray, haweenaydaa oo la yidhaahdo Ikraan Xaaji Daa’uud, wixii ka qabsaday ololihii waa la
oggaa. Waxa la shiiday taageerayaasheedii, qoyskeeda xubno ka mid ah, iyadoo dhinaca
kalena xukuumaddii iyo dadkii ay doorashada u xilsaartayba isku dayeen inaanay marnaba
soo bixin iyadoo calaamaddii lagu dooran lahaa laguna aqoonsan lahaa, oo noqon lahayd
sawir gabdheed, la siiyey nin u sharraxan xisbiga UDUB, iyadana lagu khasbay calaamad
kale oo aan taageerayaasheedu aqoonsan karin balse Illaahay baa u hiiliyey.

Waxa dhibta soo gaadhay Marwo Ikraan X. Daa’uud ugu dambaysay in xukuumaddu dareen
xun ka bixisay urur wax ka qabta adeegyada bulshada reer Awdal u baahan yihiin oo ay
qabanqaabinaysay labadii bilood ee aynu soo dhaafnay, balse aakhirataankii shacbigu
samaysteen, iyadoo dhinaca kalena dacaayado ka fidinayeen dadka reer Awdal ee inta
badan taageera xukuumadda Rayaale, Ikraan-na u arkaya inay tahay mucaarad cadow u
ah.

Si kastaba ha ahaatee haweenayda saddexaad ee aan qormadan ku soo qaadanaynno
ayaa ah haweenayda la yidhaadho Aamina-weris, ahna marwada guddoomiyaha xisbiga
mucaaradka ee Kulmiye, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo). Haweenaydaasi shaqo
ayey tartan uga gashay Hay’adda CARE international, weyna ku guuleysatay inay weliba
noqoto cidda hawlaha hay’addaasi isku dubaridda. Muranka gabadhaasi shaqada ay heshay
la geliyey ayaa kalliftay in shacbiweynaha Somaliland iyo golayaasha qaranka qaarkood u
arkeen gef aan geed loogu soo gabban, go’aanna waa laga soo saaray inay hesho
shaqadeedaa.

Muranka soo jiitamayey ee la geliyey haweenaydaa shaqadeeda, oo la siiyey nin sawaaxili
ah, ayaa waxay dhawaan go’aansatay inay iskaga hadho markii ay warbaahinta u sheegtay
in Madaxweyne Daahir Rayaale si badheedh ah u horjoogsaday.
Haddaba su’aashu waxay tahay, tan iyo markii shaqada laga horjoogsaday gabadhaas iyo
maanta oo ay iskaga hadhay, reer Awdal marnaba ma ka hadleen xaqa haweenaydaasi u
leedahay inay shaqo dalka ka qabato, maadaama ay tahay muwaadinad Somaliland u
dhalatay? Jawaabtu waa maya.

Reer Awdal waxay xukuumadda iyo golayaashaba ku leeyihiin wasiirro, xildhibaanno,
aqoonyahanno, iyadoo dhinaca kalena inta Hargeysa joogta iyo inta gobolkan joogtaaba
isugu jiraan culimaa’u-diin, waxgarad iyo shicib kaleba, kuwaas oo dhammaantood
daawanayey, kana aamusnaa haddii aanay taageerinba waxa xukuumadda reer Awdal
hoggaaminayaan ku samaysay gabadhaas. Waa wax laga xishoodo ayaan odhan karraa in
ummad dhammi ka soo horjeesato ama isugu tagto sidii loo diidi lahaa xaq haweenay
muwaadinad ahi u leedahay inay shaqo ka hesho dalkeeda.

Dhinaca kale reer Awdal oo lagu yaqaan diin iyo dhaqan wanaagsan loogama fadhiyin inay
gabadh reer Somaliland ah tusaan ficillo aan ku jirin dadkeeda iyo sharciga dalka waxana
laga yaabaa in arrintaasi baal madow kaga qormi doonto taariikhda reer Awdal, maadaama
shicib iyo dawladba laga waayey qof u doodda xuquuqda haweenaydaas u dhalatay
gobolada kale ee Somaliland, taas oo ay dadka goboladaas kale u dhashay codkii ugu
badnaa ee uu ku soo baxay siiyeen Madaxweyne Daahir Rayaale markii uu u tartamayey
kursiga dalka u sarreeya ee maanta uu haysto.

Dad badan oo reer Somaliland ah ayaa dhinaca kale ka hadlay arrintan, isla markaana aan
moodayn in xaalka gabadhaasi sidan ku dambayn doono ama laga horjoogsan doono
shaqadeeda, balse nasiib-darro ku tilmaamay in qayladii ay dad badani arrintaas ka
dhiibteen noqotay biyo col-dhaanshay, waxayna la yaabeen waxa masuuliyiinta dalka ugu
sarraysa kaga xidhan inay gabadhaas shaqada u diiddaan.
Waxa kale oo aad moodaa inay Madaxweyne Rayaale ilaaway inay gabadha uu shaqada u
diidday tahay xaaskii ninkii uu 80-ka cod kaga helay ee u haniyeeyay kursiga ugu mudan
dalka, isna xaaskiisii shaqo yar oo ay hay’ad ajnebi ah ka heshay uga qaaday nin Sawaaxili
ah.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Rayaale meel kaga dhacay hido-samida iyo milgaha dhaqan
ee lagu yaqaan dadka Soomaalida ah guud ahaan, gaar ahaanna reer Somaliland kaas oo
dhigaya inay haweenku yihiin birma-geydada ugu mudan ee ay muxarimka tahay in xumaan
loo quudho, waxaanay Soomaalidu halhays u leedahay “gabadhi waa dhaxdin ama waa
dhalasho”.
Inkastoo Hay'adda Care aanay ka hadlin arrinta gabadhaas, haddana waxay ka warhaysaa
siday wax u socdaan iyadoo laga yaabo inay mar uun ka hadasho waxa dalka ka jira, ama
laga yaabo in hay'addu buugaagteeda ku qorato sida uu yahay sharciga iyo caddaaladda
Somaliland, taas oo caalamka ka sugaysa in la aqoonsado.
Ugu dambayntiina mar haddii aan qof reer Awdal ah laga hayn canaan ay xukuumadda
Rayaale iyo madaxweynaha laftiisaba ugu sheegayaan in arrinta gabadhaasi keeni karto
sawir aan ku qurux badnayn waddaninimada iyo midnimada Somaliland, raadna laga yaabo
inay ku reebto dedaal kasta oo ay mar kale reer Awdal ku doonayaan inay dalka ku
xukumaan, ayaa loo baahan yahay in inta goori goor tahay haweenaydaas la siiyo shaqada
ay ku guuleystay.

Top


Wasiirka Qorshaynta Oo Sheegay Inay
Gobollada Sool Iyo Sanaag Ku Jiraan Qorshaha
JNA-da Ee Somaliland

“JNA-du Way Soconaysaa ugana hadhimayno nin dano gaar ah Leh, lixdii gobolna waa
kuwaa Buuggaa ku yaal”

Hargeysa, August 1, 2006 (Haatuf) – Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Axmed Xaaji Daahir
ayaa sheegay inay gobolada Sool iyo Sanaag ku jiraan qorshaha Mashruuca JNA ee
Somaliland, isagoo daadefeeyay su’aal ay Mudanayaal ka tirsan Golaha Guurtidu
weydiiyeen David Bosouni oo madax ka ah wafdi ka socday JNA oo la kulmay guddida
joogtada ah ee golaha Guurtida, su’aashaas oo ahayd marka la eego buugaagtaad noo
qaybiseen Sool iyo Sanaag waxaad raaciseen Puntland.

Wasiirku wuxuu arrimahaas kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa,
isagoo daba socda hadalkaas ka soo yeedhay mudanayaasha Golaha Guurtida iyo guud
ahaanba warar la xidhiidhka mashruuca JNA-da oo sheegay in inta badan gobolada Sool iyo
Sanaag la raaciyay Majeerteenya, hase yeeshee wasiirku waxa uu taas ku tilmaamay sheeko aanay waxba ka jirin, wuxuuna ku adkaystay in gobolada Sool iyo Sanaag ay ku jiraan qorshaha JNA-da ee Somaliland.

Wasiirku waxa uu ugu horeyn madasha shirka jaraa’id ka jeediyay hadal dheer oo hordhac
ah oo uu kaga waramayo qorshaha mashruuca JNA, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay:
“Shirkan jaraa’id anigaa idiin yeedhay, waxaanan idiinku yeedhay arrimo badan iyo
sheekeeyin ka soo baxay shirkii aanu qabanay ee JNA ee ahaa horumarinta hawlaha
Somaliland iyo baahideeda oo ay eegayaan deeq-bixiyeyaashu iyagoo soo adeegsanaya
Baanka Adduunka iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa qaybta u xilsaaran. Arrintani
wax imika cusub maaha, waxay socotay laba sannadood iyo badh, waxay galeen 11 study
oo Baanka Addduunku waday, waxaanay study-gaa u gelayeen baahida dalka iyagoo u
eegayay dalalyow badan oo keenu [Somaliland] ka mid yahay. Waxa nasiib wanaag ah inay
toddoba dal ilaa maanta Baanka Adduunku mashruucan cusub ee la yidhaahdo JNA (Joint
Need Assessment) ay Somaliland ka mid noqotay, 49 dal oo dalab (application) u soo
qortay ay ilaa maanta taalo. Waxa aan si rasmiya idiinku sheegayaa waxa weeye JNA ay
wada wadaan Baanka Adduunka iyo Qaramada Midoobay, maaha NGO, maaha hay’adahan
intay iyagu macaawinooyinka soo qaataan, dabadeedna mashaariic ay iyagu doonayaan ku
fuliya, ee waa Barnaamij (programme), barnaamijkaas waxa la dhigay 1945-kii, waxaana loo
dhigay qoladii dagaalku burburiyay ee la odhan jiray Marshal oo lagu dhisayay dalka
Jarmalka iyo Japan, markaa waxa la sameeyay laba hay’adood oo kala ahaa IMF
(International Monitoring Fund) iyo World Bank, waxa loo kala sameeyay midna xaga
dhaqaalaha oo ah IMF iyo midna waxa loo sameeyay barnaamijkan imika aynu wadno oo
ah RDP (reconstruction development programme), si ay iyadu wixii ay dhibaato ka soo
gaadheen ee burburay ay dib ugu dhisaan.

Maanta waxaan doonayaa inaan idiin bayaano wax aan la qarin karin horena aanu uga soo
shaqaynaynay, Illaahayna xilkeeda na saaray, xilkeedana inaanu gudano ay tahay, jaaniskii
u horeeyay ee Somaliland in Illaahay wax u qabanayo aan u arko inay tahay fursadii aynu
kaga bixi lahayn baahida, shaqo la’aanta oo waayo dalkan waxa haysataa waa shaqo
la’aan, oo labaa dalkan isku raacay, caalamka dalalka labadaasi isku raacdo waxa la
yidhaahdaa waa caydh, waxa aynu nahay wadanka 163aad faqriga marka la eego oo waxa
inaga hooseeya laba dal. Dal iyo dad yar baynu nahay, dhulkeenuna kheyraad buu
leeyahay, laakiin aqoontdii ee baa inaga dhiman, wixii lagu gaadhi lahaa haddii Eebbe ka
dhigo waa Barnaamijkan. Markaa waxaan idinka codsanayaa in aad taageero weyn siisaan,
anigu waxaan si gaar ah bahdiinan (Saxaafadda) markaad aragtaan barnaamijkan taageero
weyn siisaan, waayo waa mustaqbalka ubadkiina iyo ubadkiisa, maanta anigu waxaan u
dagaalamayaa waxa weeye inankaan dhalay iyo inankiisa.

Somaliland intii aanu joognay waxaanu isku daynay, weliba wasaaradayadan Qorshayntu xil
weyn iska saarnay barnaamijkan JNA, barnaamijkan oo meel kastoo laga bilaababa
qaadanayay muddo dheer, waxaanu doonayn muddo sannad ah oo aanu lahayn haddaan
Somaliland keligeed wax loo bixinayn yeeli mayno, waanad ogaydeen in aniga laygu
haystay wuxuu diidayaa barnaamij dadka u faa’iidayn lahaa, waxaanu ka dagaalamaynay ta
laga hadlaayo oo ah ma helaynaa wax Somaliland ah. Sidaas darteed waxaanu samaynay
buuggii u horeeyay iyadoo lix qof ah oo anigu ku jiro oo ku dedaalnay, annagana maanta
naloo haysto fatooradihii Al-Qadiimi oo xataa stationary-gii naloo haysto. Waxaanu isla
garab-dhiganay beri ka maalin waxa ay doonayaan wax la mid ah oo anagii ka shaqaynay
inaan mid kale nala hordhigi karin ayaanu kaas soo saarnay, waxaananu u qaybinay golaha
wasiirada, muddo siinay oo aanu nidhi wasiir, wasiir ku-xigeen iyo wasiiru-dawlaba ha soo
akhriyeen, baahidii aanu annagu samaynay, kaas ayaana laga amba-qaaday.

Waxaa shalay [dorraad] Haatuf iyo Jamhuuriya ku qornayd in Sool iyo Sanaag laga reebay
oo uu yidhi ninka la yidhaahdo David Basouni ee ka socday JNA-da, waxaanu isla garanay
Wasiirka Qorshaynta. Meel alla iyo meel ay kaga taalo garanmayno, waxaanan idin farayaa
inaad daawataan cajaladihii laga qabtay kulankii Guurtida uu ninkaasi la yeeshay,
kelmadaa, mid u dhow iyo kelmad ku shaqo leh Sool iyo Sanaag toona inaan laga hadal.
Laakiin waxaa nasiib-darro ah oo naloo sheegay in rag shir jaraa’id dibadda ku qabteen oo
ay sheegeen waxaan la garanayn. Rag aan u arko anigu inaanay danaynayn ama dan gaar
ah leh. Rag goboladii markii la soo saaray ka qaatay oo saxeexoodii ku hayno lacagtii ay
kaga qayb-galeen JNA-da iyagoo metelayay Sool oo haddadaa aan idin tusi doono. Markaa
taas laga yimaado buuggan waxa ku taallaa lixdii gobol iyo baahidoodii siday ugu kala
muhiisan yihiin.

Marka taas laga yimaado, waxaanu samaynay oo aanu u qaybinay 6 buug, kuwaas oo ah
lixda (Cluster) ee dalkan la doonayo in loo qabto, waxaanu ka samaynay ilaa 600 oo nuqul
oo aanu qolo kasta siinay, Baarlamaanka, Guurtida iyo wasaaradaha, qof walba waxaanu
siinay lixdaa buug. 140 qof oo ka soo qayb-galay shirkuna waxay ka soo qayb-galeen lixdii
gobol, waxaana maanta jooga Badhasaabadii Sool iyo Sanaag, shirkaanay nagala soo
qayb-galeen, halkaana waxay ku soo baahiyeen baahidooda intii ka dhinayd, waxaananu
ugu yeedhnay gobol kasta inuu baahidiisii haddii ay ka dhiman tahay iyo haddii ay sidaas
ku ogolyihiinba ay halkaas ka caddaystaan, gobolkastana 8 qof ayaa laga soo casuumay,
si aan loo odhan waxaasaa maqan, wakhtina waanu siinay oo barnaamijkan wuxuu ahaa in
la qabto 2-dii July, dib baanu u dhignay oo waxaanu nidhi ilaa aanu waxayaga dersayno oo
aanu ka boganayno yeeli mayno, dabadeed waxa laga dhigay 12-13 July, haddana waxaanu
codsanay in dib loo dhigo oo waxaa la doonayaa inay gaadho gobolkasta iyo degmo kasta,
sidaas darteed ayay u noqotay bisha (July) 28-keedii oo Jimce ah.

Somaliland waxeedu wuu go’an yahay oo kuma darsana kumana jirto [Somalia] oo
nimanyahow anagaaba doonayna ta Somalia haddaanu helayno inaanu soo qaadano oo
aynu ku andacoono waar meesha waxba ma jiraane annaga noo dhisa, oo aan kuba
andacoono Dahabshiil lacagta noo dhigaba intay imanayaan oo aynu ka faa’iidaysano.
Waxaanu idiin haynaa waraaqdii u dambaysay ee Puntland ay JNA-da u qortay ee ay ku
dacwoonaysay JNA dalkiibay kala jaraysaa oo Somaliland bay ka jartay ee ay gacantooda
ku soo qoreen, iyadoo maantana la leeyahay Somaliland mooyee meel kale oo jirtaa ma
jirto. Waxaanay ahayd qoladiinan Saxaafaddu inaad ku dacwootaan annagaa jirnee
Qaramada Midoobay hanala geeyo oo Midowga Afrika hanala geeyo, laakiin inagiibaa dib
isugu soo noqonoo Somaliland baa sidan la yidhi, maalinta dambena Hargeyseey ku soo
ururi, maalinta dambena Xaraf bay sii tegi…

Waxaanu u qornay 13 qodob Safiirkii ka socday waagii dhowayto UN-ta iyo ninkii UNDP-da
haystay ee Eric, 13-kaa qodob oo ah wax la yidhaahdo “Position paper”, dhowaan baa loo
diri doonaa, waanu nala akhristay, waxan aad ka hadlaysaan iska daayo waxaanu ku
darnay dalkan [Somaliland] workshop-da laga qaban doono waxaan “international” iyo
“regional” ahayn oo aanu yeelaynaa ma jirto, nin nooga iman kara dhulkaa Soomaalida ee
Somalia la leeyahay ma jiro, nin aanu ka casuumaynaana ma jirto, in xafiisyada Nairobi
xaggan la keeno ee muhiimka ah hadduu nin keliyi ka hadho si loogu haqab tiro lacagtaa
xagaa lagu kharashgaraynayo oo mashaariicda meesha taalla loo hirgeliyo. Annaguna taas
baanu ku dacwoonaynaa, idinkuna [Saxaafadda] waxaad dhegaysanaysaan dad aan
danaynayn Somalilandna doonaya inay iska horkeenaan oo la eeganaya maalin alla iyo
maalintay fursad helaan, waa inaynu ka fiirsano. Ninka Somaliland danaynayow ninka xun
ee doonaya inuu maalintaas ka faa’iidaysto dee weydiiya meeshu ka akhriyayo waxan, ma
raadyow kale ayaa isaga u soo baxa, mise TV kaluu daawadaa, mise buuggagan kuwaan
ahayn buu akhriyay. Haddaba waxa weeye in laynagu abuuro tashwiish oo layska-keen
horkeeno, in maalinta fursad aynu helno kii fursadda ina siinayay lagala hortago qaylo iyo
sayaxan.

Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay in hadduu hirgalo oo aanu 99% filayno inuu hirgalo,
in Somaliland tallaabadii u horeysay ee wax loogu qabanayay ay taagan tahay. Ka hadhi
mayno, ninka hogaaminayaha (leadership) ahi waa qof go’aan leh, waanu wadaynaa, JNA
way soconaysaa, ilaa iyo inta laga midho-dhalinayana nin, laba iyo saddex doonaya dano
gaar ah uga hadhi mayno,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay, laakiin weriyeyaashii shirka
jaraa’id ka soo qayb-galay ayaa wasiirka dhowr su’aalood weydiiyay, iyadoo buuq madasha
ka dhacay awgeed aanay suurta-gal noqon in su’aalo badan la weydiiyo wasiirka, waxaanay
su’aalihii la weydiiyay iyo jawaabihii uu ka bixiyay u dhaceen sidan:

S: Halkan waxaad ka sheegtay rag lacag qaatay oo aad tidhi saxeexoogii baanu haynaa,
waxaanay ku qaateen mashruucan JNA, waa ayo raggaasi, soo bangdhigna?
J: Waxa weeye, waa laguu helayaa, waana laguu keenayaa, in ay ka qayb-galeen
gobolkaas ay leeyihiin kuma jiro oo ay qaateen Beerliyamkii.

S: Waa kuwee raggaasi?
J: Waa raggaa Mudanayaasha ah ee ka hadlayaa halkaas, markaanu kuu keeno ayaad
akhriyi doontaa….

S: Wasiir hore waxaad u ahayd ninka keliya ee golaha Wasiirada ah ee diiddanaa
mashruucan JNA, waxaana markii arrintaas la sii baadhay la sheegay inaad ka wayday wax
dano shakhsi ah, maantana waad ogolaatay iyadoo hubaal loo hubo in mashruucan JNA
dalka kala qaybiyay, markaa xaalkaagu miyaanu ahayn sakaaro xaar muuqday
aas-aastaa?
J: Waxa weeye marka aad leedahay hubaal, waxaad hubtid keen, anna waxaan hubo ayaan
hayaaye.

S: Maxaa mashruucan madmadowga geliya ee mar walba keenaya in laga hadlo?
J: Waxa geliya waxa weeye ku aan doonayn in dalka horumar loo sameeyo, ku aan
doonayn jiilkan lagu jiraa inuu horumaro, ku aan doonayn dadka masaakiinta ah ee soo
burburay in wax la taro oo isagu ku fikiraya dan gaar ah mid ka weyn weliba.

 

Top


MA QALLOOCSHE

A. A. Garas

Halkani waa maqalloocshe, ha ahaatee maanta waxaan idiin hayaa barmaanij la yidhaa
Aqoon-Yare, waxaana inoo soo diyaariyey Mr Inyar-garad, waxaanu cinwaan uga dhigay
Dhulka Sidee Loogu Noolaadaa:

Halwal waa iga araar, sacna waa iga aqoon, laxina waa iga la yaab.
Hadaan kaa waramo lix shay oo dhulka aan ugu imi oo aniga igu lamaan, hareerahayga iyo
hortaydaba ku xeeran, Laba shay way iga horeeyaan, labana way i-daba socdaan, labada
kalena way I hareero socdaan.
Labada iga horeeya waa dhedig ioy lab Mr Hunguri iyo Mrs Hammo.
Labada iga dambeeyaana waa Mr Gabow iyo Mss Geeri.
Labada Baalaha iga jiraana waa Mr Wanaag iyo Mss Xumaan.
Lixdaa shay laba anigaa eryada, labana iyagaa i-eryada, labana anaa kala doorta, intaas
adigaa kala garan.

Arrin iyo abuurba allaa leh qofow, waxaanu ku yidhi ‘nna i-caabud, afartaasna intifaacso,
mana lihidde haysku ilaawi’. Afartaba dhul buu kuu dhigay oo ku yidhi dhaqaalayso.
Maahmaah Soomaaliyeed oo afartaas ka hadlaysa waxay tidhi “Ha ka dheeraan, yaad u
dhibaatoon, ha ku dhicin yaad ku dhimane, dhaqaalayso waad ka dheefsan, haysku dhejin
yaad ku dhacmine’.

Haddaba, afartaasi waa kuwama, adiga sheegi? Aniguse dhul baan u maleeyey in loola
jeedo. Casharka maantu waxaanu ku soo joojinaynaa; Qof iyo lixdii shalay, dhul iyo afartii
shay oo aad soo ogaataan.
Su’aalaha kale ee aad ka soo jawaabi doontaan todobaadkan waa:
1. Dhulka maydinkaa leh, mise illaahay baa leh?
2. Dhula ma iibiyaa laydin yidhi, mise intifaacsada?
3. Dhulka ma isku laaya la yidhi, mise ku wada noolaada?
4. Dhulka Somaliland cabirkiisi waxa lagu qiyaasaa 13,460km oo isku wareeg ah,
dadka ku nool tiradiisa marka la badiyo saddex milyan oo qof ayaa lagu qiyaasaa, hadaad u
baloodhayso mid yar iyo mid weynba qof walba baloodh Aydhi bay Aydhi ah siiso, intee kilo
mitir ayaa ku filan, intee ka banaanaysa se?
5. Hadiiba in badani kugu banaanaato isweydii maxaa maalin walba toban tallaabo
laysugu laayaa oo nafo u go’aan, ma laga yaabaa in aad garan la’day sida dhulka loogu
noolaanayo?
6. Su’aasha iigu dambeysa, Talow dhulka sidee loogu noolaadaa?

Akhyaarta akhrisatay hadaad su’aalahan malaysaan jawaabta iigu soo hagaajiya xarunta
wargeyska Haatuf, fadlan ha sahashan, aniga iyo dad badan oo kaleba ogaal la’aan baa
ishaa noo yeeshaye.
Layskuma Helo:
Maxay?
Shankaroon lix isku heli mayso inay nabadda jeclaato ioy inay guurtida la collowdo.
Inay horumar ku faanto iyo inay xashiishka iska xaadhi kari waydo.
Inay dunida iskaashi ka raadsato iyo inay dadkeedu iskaashan waayo.
Reer galbeedku Afrika ka heli maayaan: Wadamada Afrika iyada oo habkii dawladnimo u
taag la’ oo la silcaya in haddana hannaan dimoqraadi laga doonaa daw maaha.
Maraykanka mid baan ka soconaynin in ay yidhaahdaan dadka laga tirada badan yahay
kuraas waa in dawlada laga siiyaa iyo inay yidhaahdaan majarooti baa laysku
muquuninayaa.
Wadamada carbeed laba iskuma helayaan, in qadiyada shankaroonta ka hor-jeedisteeda ay
isku raacsanaadaan iyo inay qaddiyada falastin isku raaci waayaan.
Itoobiya laba iskuma hesho, Shankaroon inay aqoonsiga u diido iyo inay saaxiib iyo jaarba
ka dhigato.
Jabuuti laba iskuma hesho inay deked weyn dhisato iyo labada dale e la jaarka ahba
(Itoobiya iyo Shankaroonlan) inay burburkooda ka shaqayso.
Bunland laba iskuma hesho inay xagga Somaliya ka dawladayso xaga shankaroontana ka
qabyaaladayso.
Dawlada Baydhabana laba isku helayso inay Itoobiya hub ka gurato iyo inay nabad baanu
doonaynaa tidhaahdo.
Maxkamaduhu afar iskuma helayaan inay yidhaahdaan qab-qablayaal baanu xamar ka
qabsanay iyo inay iyaguba qabqablayn bilaabaan, inay yidhaahdaan maxkamad
islaamiyaanu nahay iyo in laga amaan waayo, inay yidhaahdaan sharaftii Somaliya ayaanu
soo noolaynaynaa iyo inay dawladii yarayd ee dirqiga loogu dhisay durba dagaal ku
kiciyaan.
Ereteriyana saddex iskuma hesho, in Itoobiyaankii ay jaarka la ahaydna nacdo, Somali
aanay guri ood ku kulmina saaxiib ka dhigato. In iyada oo shalay dunidu dirqi ku
aqoonsatay hadana shankaroon oo aqoonsi doon ah ka hortimaado.
Xisbiga UCID-na laba isku heli maayo, kordhinta guurtida inuu xoog uga xayraamo iyo in
madaxdiisu hawl-yaraan isugu kordhiso.
Faysal Cali Waraabena laba isku heli maayo, in uu yidhaahdo Rayaale dawlad tiro yar ha
soo dhiso iyo inuu yidhaahdo muxuu labadan wasiir u magacaabi waayay.
Rayaalena saddex isku helimaayo in ragna uu eryo, qaar kalena magacaabi waayo, in
afarta qaylo ee gobolka ka socda midna nagu dari waayo, in labada gole uu goroda isku
geliyo in uu gogol heshiis u dhigi waayo, golihiisa wasiirada uu badhna caagleyaal ka dhigo,
badhna hoosta gashado, inuu dalka aqoonsi u raadsho iyo inuu inaabtigii iskala hadli
waayo.
Kulmiyena laba isku helimaayo inay yidhaahdaan gabadh baa dalka haysata iyo inay
yidhaahdaan gabadhayada ayaanu wax la doonaynaa oo loo diidan yahay.
Mucaarid oo dhamina laba isku heli maayaan, inay yidhaahdaan Rayaalaa dalka
baabi’inaya iyo Sh. Aweys baa wax wanaagsan samaynaya, ugu dambeyn reer Boorame
laba ma wada helayaane haysku baydhaan, In rayaale na haysto iyo in ilmo ismaaciil
samatarna halkaas nooga soo dhaartaan oo maalin kasta idaacadaha cay noola
fuushanaadaan, iskuma heshaane istawuu.
Cali Khaliifna laba iskuma helo, in Raysalwasaaraha markuu ahaa ninkii uu iska celin kari
waayay ee C/laahi Yuusuf inuu maanta u booteeyo, isaga oo shicib ah, ninkii oo
madaxweyne laga dhigay.

Hal Xidhaale:
Beri baa la yidhi nin oday ah oo magaciisa la yidhaa Awraali ayaa inan uu dhalay oo aad u
dhegbadnayd, waxa dhacday in ay afar nin maalin qudha u soo wada geed fadhiisteen,
Awraali wuxu damcay inuu afartan nin kala naqaysto oo uu ka ugu shaqada baxsan inanta
siiyo. Ninkii ugu horeeyey ayaa u yimi wuxu ku yidhi, waxaan doonayaa inaad inantaada
i-siiso, wuxuu ku yidhi horta ninyow maxaad taqaanaa ee aad ku shaqaysataa. Kii labaad
aya aisna yidhi inanta i-sii, maxaad taqaan buu ku yidhi, faalliye ayaan ahay buu yidhi. Kii
saddexaad ayaa isna odaygii ku yidhi inanta ayaan doonayaa, aad doontid maxaad taqaan
buu ku yidhi, wuxu yidhi tuug baan ahay. Kii afaraad ayaa isna inanta i-siiya yidhi, maxaad
taqaan baa la yidhi, waxaan aqaannaa qalabka badaha lagu maro ayuu yidhi.

Oday Awraalli ayaa yidhi waa nimanka ilaa berito aan ka soo tashado ninka aan inanta
siinayo ee iska taga imika, afartii nin ayaa iska tagay oo reerahoodii qabtay, ayaamo ka dib
ayaa inantii ina awraalli ee afarta nin isku haysatay la waayey meel ay jaan iyo cidhib
dhigtay. Awraalli ayaa yaabay, wuxu is-yidhi malaha inantaba ninkii tuugga ahaa baa
xadday, ka dibna niiman ayuu doontay oo reerahoodii qabtay, wuxu u yimid afartii nine e
inanta doonayay oo meel wada jooga. markay arkeen ayaa waxay is-yidhaahdeen fariintii
baa malaha uu idiin sidaa, markuu u yimi ayuu salaan ka dib, wuxu ku yidhi
‘waaryaadhaheen inantii waan la’aye ma aragteen’, maya baa lagu yidhi.

Awraalli ayaa yidhi waar meel ay tagtay la waaye meek ii faalliyaha ahaa, waykan buu
yidhi, waar bal dhig buu yidhi. Markuu faaliyey buu yidhi inantii waxay joogtaa meel bad
dhexdeed ah, mas weyn baana ku duuban, waqooyina way inaga jirtaa, ka dibna wuxu yidhi
waar kii qalabka baddaha sameyn ogaa mee, waykan buu yidhi oo huudhi yar buu rakibay,
waa la wada fuulay oo afartii ninba way wada baadi doon tageen, waxay ku soo baxeen
inantii oo jasiirad yar dhex taagan oo uu gaadh ka hayo bahal mas oo aad u weyn. Markay
arkeen ayuu tuugi yidhi waa markaygii, dhagax buu qaatay oo inta uu sii dhabacday ayuu
maskii dhanka kale dhagax ugu tuuray, maskii oo diyaar ahaa ayaa eegay dhankii
sanqadhu ka dhacday, intii buu inantii u waydaartay oo la soo cararay, maskii ayaa taw
kula soo yidhi oo in yar markuu ula saaran yahay ayaa ninkii shiishyahanka ahaa
cabbeystay oo intuu waranka ku rideeyey ayuu maskii isha kala helay.

Bal haddaba, nin keebaad siin lahayd, jawaabtana waxad ku soo hagaajisaa xarunta
wargeyska Haatuf.

Top


Maleeshiyaadka Maxkamadaha Muqdisho
Oo Kala Caydhiyay Mudaharaad Lagu
Taageerayo Ra’iisal-Wasaare Cali Geedi

Maxkamaduhu waxay qabteen Laba Nin Oo Ay Basaasnimo Ku Tuhmeen, Waxayna
Qaadaceen Shirkii Khartoum


Muqdisho, August 1, 2006 (Haatuf) – Maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga ee
magaalada Muqdisho ayaa shalay kala dareeriyay dadweyne isugu soo baxay mudaharaad
ay ku taageerayaan Ra’iisal-wasaare Cali Maxamed Geedi oo ka badbaaday mooshin
xil-ka-qaadis ah oo ay Baarlamaanka Mbagathi Axadii dorraad soo qadimeen.
Isu-soo-baxa lagu taageeraayo ra’iisal-wasaare Cali Maxamed Geedi oo ka dhacay
xaafadda Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxay dadweynihii isu soo baxay ku
dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin “Ra’iisal-wasaare Cali Geedi ha noolaado, dawladda
Soomaaliyeed ha noolaato” iyo ereyo kale, hase yeeshee sida ay sheegeen warar aanu ka
helnay magaalada Muqdisho, mudaharaadkaasi markii uu cabaar socday waxa ku soo
dhex-dhacay ciidamo Maleeshiyaad ah oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ee
Muqdisho, ka dibna xoog ku kala dareeriyay, iyagoo shabuug iyo ulo la dhacay dadkii
mudaharaadka iskugu soo baxay oo u badnaa dumar iyo dhallinyaro.

Mudaharaadka magaalada Muqdisho ka dhacay ee lagu taageerayay Cali Maxamed Geedi
waxa uu qayb ka ahaa banaan-baxyo ka dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah
magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxayna dadka mudaharaadadaa ka qayb-galay
ama abaabulay ahaayeen taageerayaasha xukuumadda Cali Maxamed Geedi, hase
yeeshee maleeshiyaadka Maxkamadaha ee Muqdisho ka taliya oo colaad weyn u haya Cali
Maxamed Geedi ayay ka cadhaysiisay isu-soo-baxyada lagu taageerayo xukuumadda
Geedi, kadibna kala didiyay isu-soo-baxyada ka dhacay meelaha ay ka taliyaan.
Dhinaca kalena, maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho waxay maalintii
shalay xabsiga u taxaabeen laba nin oo ay ku tilmaameen inay ku tuhmeen arrimo
basaasnimo.

Labadan nin oo laga qabtay xaafadda la yidhaahdo Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho,
waxay maleeshiyaadka Maxkamaduhu sheegeen inay ka soo tallaabeen dhinaca Itoobiya,
taas awgeedna ay ka shaki qabaan inay u socdaan hawlo basaasnimo, iyagoo farta ku
fiiqay in laga soo diray dhinaca dawladda Itoobiya.

Nin magaciisa la yidhaahdo Daahir Cali Kheyre oo taliye ka ah mid ka mid ah xafiisyada
Maxkamadaha Muqdisho, ayaa isagoo xadhigga nimankaas ka hadlaya wuxuu yidhi:
“Dadweynaha ayaa naga gacan-siiyay inaanu soo qabano labada nin oo lagu kala
magacaabo Cabdalla Muusa iyo Cabdiqaadir Cismaan, waxayna ku wada hadlayeen markii
u horeysay ee la arkay Afka Itoobiyaanka, waxaana ka muuqday rafaad aad u weyn oo laga
dareemayo inay soo galeen safar dheer oo dhinaca dhulka ah, markii aanu weydiinay
ujeedadooda ay u socdaan waxay noo sheegeen inay musaafur yihiin.”
Waxa kale oo uu ninkaas sarkaal ahi sheegay in markii ay wareystaan labadaa nin ay kala
sheegeen hadalo kala duwan, taas oo uu mid ka mid ahi sheegay inuu ka yimid dalka
Itoobiya, ayna dabada ka wado duruuf dhaqaale, isla markaana aanu garanayn meel uu u
socdo iyo meel uu ka socdo. Halka uu ninka kalena sheegay inuu ka soo socdaalay
gobolada Jubooyinka ee Koonfur fog ee Somalia, imikana uu doonayo inuu u socdaalo
xagaa iyo Hargeysa.

Hogaamiyeyaasha Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa la sheegay inay
rumaysan yihiin inay magaalada Muqdisho joogaan kooxo basaasiin ah oo ka socda
dawladdo Ajnebi ah oo ay ugu horeyso Itoobiya, kuwaas oo ay Maxkamadaha Islaamiga ahi
ujeedadooda ku tilmaameen inay ka shaqaynayaan sidii ay u mijo-xaabin lahaayeen
hawlaha nabadgelyada iyo horumarka ee ay Maxkamadaha Islaamigu wadaan.
Sidoo kale, koox la magac-baxday kulanka Culimada Soomaaliyeed, ayaa shir-jaraa’id oo
ay shalay ku qabteen magaalada Muqdisho, waxay dawladda Itoobiya ugu baaqeen inay
ciidamadeeda kala baxdo Somalia.

Ninka gudoomiyaha u ah kooxdan oo magaciisa la yidhaahdo Sheekh Axmed Cabdi
Dhicisow, oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa dhinaca kalena soo hadal-qaaday
Somaliland, wuxuuna yidhi: “Jamhuuriyadda la baxday Somaliland waxaan ugu baaqayaa
inay ku soo biirto wada-hadalka oo ayna ku adkaysan goosadka, maadaama ay midnimadu
tahay wax ay diintu xoojisay oo lagama maarmaan ah.”

Waxa kale oo ay hogaamiyeyaasha Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho maalintii shalay
magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen inay qaadaceen wada-hadalkii dhexdhexaadinta ee
horraanta bisha August ee foodda inagu soo haysa loogu ballansanaa caasimadda dalka
Sudan ee Khartoum, waxayna sababta ay u qaadaceen ku tilmaameen inaanay wax
wada-hadal ah la gelayn dawladda Cabdillaahi Yuusuf inta ay ciidamo Itoobiyaan ahi
joogaan Somalia.

Gudoomiyaha Golaha lagu magacaabay Golaha Shuurada Maxaakiimta Islaamiga ah, Sh.
Xasan Daahir Aweys oo shalay wareysi siiyay wakaalada wararka Reuters, ayaa cadeeyay
inaanay ka qayb-geli doonin shirka Sudan inta ay ciidanka Itoobiya joogaan Somalia.
Hadalka ka soo yeedhay Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay inuu ku soo beegmay
xilli uu sii adkaaday khilaafka ka dhexeeya dawladda Cabdillaahi Yuusuf iyo kooxaha
Maxkamadaha Islaamiga ah, taas oo ay dadka arrimahaa xog-ogaalka u ahi sheegeen inay
xaaladdu sii adkaatay markii lagu guul-daraystay in la riddo Ra’iisal-wasaare Cali Maxamed
Geedi, waayo, waxay dadka sidaas qabaa leeyihiin haddii lagu guulaysan lahaa in la riddo
Cali Maxamed Geedi waxa suurta-gal ahayd inay meesha timaado fursad lagu wada-hadlo
oo laga gorgortamo sidii awoodda loo qaybsan lahaa, taas oo la leeyahay Maxkamaduhu
waxay quudaraynayeen inay Ra’iisal-wasaaraha qaataan.

Waxa kale oo isna hadda socdaal ku jooga magaalada Muqdisho, Cali Khaliif Galaydh,
wuxuuna sheegay in ujeedada socdaalkiisa Muqdisho tahay inuu indhihiisa ku soo arko
muuqaalka isbedelka ka dhacay Muqdisho.

Hase yeeshee Cali Khaliif mar la weydiiyay inuu doonayo inuu ku biiro Maxkamadaha
Islaamiga ah, wuxuu sheegay inaanu ku biirayn, laakiin wuxuu xusay inuu u riyaaqay
isbedelka Muqdisho ka dhacay.

Waxa kale oo uu Cali Khaliif iftiimiyay aragtidiisa ku waajahan dawladda Cabdillaahi Yuusuf,
wuxuuna sheegay inaanu aaminsannayn in la burburiyo dawladdaa balse uu u arko inay
labada dhinac [Maxkamadaha iyo dawladda Mbagathi] khilaafkooda ku dhamaystaan
wada-hadal, isagoo sheegay inuu u arko in meel Somalia ka mid ah lagu qabto kulan ay
labada dhinaca ku wada-hadlaan, shardina laga dhigo meel aan Muqdisho iyo Baydhabo
ahayn, wuxuuna wada-hadal dal dibadeed lagu qabto ku tilmaamay mid aanay waxba ka
soo baxayn.

Top


Shirkadda Al Haashim Ee Gaadiidka Oo Mar
Kale Ka Digtay Waxa Ka Iman Kara Daabulka
Qaxootiga Dalka Kusoo Noqonaya

Boorama, August 1, 2006 (Haatuf) — Shirkadda Al Haashim ee qaabilsan gaadiidka
xamuulka, ayaa mar kale uga digtay xukuumadda iyo hay’adda UNHCR waxa ka iman kara
daabulka qaxootiga reer Somaliland ee Djibouti oo dhawaan la filayo in dalka lagu soo
celiyo.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, xubin ka
tirsan ururkan Gaadiidleyda ah, oo Boorama uga hadlay shirkaddaasi ayaa Haatuf u
sheegay inaan wax tartan ah loo gelin qandaraaska lagu soo rarayo qaxootigaas, isla
markaana si caddaaladda ka fog loo siiyey dad gaar ah oo madaxda dalku wataan, sidaa
darteedna aanay marnaba raalli ka noqon doonin qandaraaskaasi, wixii ka yimaaddana ay
dusha u ridan doonto wasaaradda Dib-u-dejinta iyo hay’adda UNHCR.

Ninkan u hadlay shirkadda Al-Haashim, oo la yidhaahdo Shirwac Cumar Cige (Arki-jiray),
ayaa dhinaca kale eedeymo u soo eediyey dadka loo xilsaaray qaandaraaskaasi, kuwaas
oo uu sheegay inayna wax shirkado gaadiid ah oo gobolkan ka jira anay waxba kaga darin
qandaraaskaasi, taas oo uu ku tilmaamay mid dhibaato ku keeni karta socodka hawshaasi,
qaxootiga laftiisa iyo dadka ku hawllanba, sidaa darteedna loo baahan yahay in si degdeg
ah looga qaybgeliyo shirkadaha gaadiidka ee gobolka Awdal, gaar ahaanna shirkadda Al
–Haashim oo hore hawshaasi daabulka gobolka uga fulisay.
 

Top


Kulan Ku Saabsan Ilaalinta Degaanka Oo
Hargeysa Ka Dhacay

Hargeysa, August 1, 2006 (Haatuf) – Kulan Aqoon-isweydaarsi ah oo lagaga hadlayo
badbaadinta degaanka iyo casriyeynta Tamarta, ayaa shalay ka furmay hotelka Maansoor
ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb-galay dad ay tiradoodu gaadhayso 96 qof oo
laga soo xulay xaafadaha magaalada Hargeysa.

Aqoon-isweydaarsigaas oo socday muddo hal maalin ah waxa soo qaban-qaabiyay ururka
haweenka NAGAAD, wuxuuna guud ahaan ku saabsanaa wacyi-gelin la xidhiidha sidii loo
badbaadin lahaa degaanka, loogana faa’iidaysan lahaa tamarta, iyadoo dadkii ka soo
qayb-galay aqoon-isweydaarsigaas lagu dhiiri-geliyay inay bulsho-weynta reer Somaliland
ku wacyi-geliyaan sidii ay u ilaalin lahaayeen degaanka, waxayna dadkii halkaa ka hadlay
si weyn farta ugu fiiqeen halista lagu hayo degaanka dabiiciga ah, taas oo ay tilmaameen
inay meelo badan ka sii dabar-go’ayso dhirtii, taasina ay u baahan tahay in si degdeg ah
looga hortago, layskana kaashado shicib iyo dawladba.

Wasiirka Horumarinta Qoyska, Marwo Faadumo Suudi Xasan oo ka mid ahayd
masuuliyiintii kulankaas ka qayb-galay, halkaana hadal ka jeedisay.

Marwo Sahra X. Aadan oo ka mid ah madaxda ururka NAGAAD, ayaa iyana kulankaa ka
hadashay waxaanay ka warantay ujeedada kulanka loo qabtay, waxayna sheegtay in haddii
aan wax laga qaban xaaladda degaanka ay taasi keeni karto khasaare aan laga soo kaban
karin. “Waxaynu ka shaqaynaynaa waxa weeye inay dadka halkan joogaa oo ah
degaan-jireyaal ka shaqeeyaan inay nadaafadda xaafadahooda ilaaliyaan, iyo inay la
xidhiidhaan ciddii ay khusaysay nadaafaddu sida dawladda hoose oo kale iyo dawladda
dhexe-ba, iyo inay ka shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa dhuxusha oo dhirtii xaalufisay,”
ayay tidhi Marwo Sahra.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Horumarinta
Degaanka, Maxamed Jaamac Faarax, wuxuuna yidhi: “Markaad eegto magaalada
Hargeysa, waxa ku nool dad lagu qiyaasay 500 – 600 kun oo dad ah, intaas oo dhammi
dhuxul ayay wada shitaan oo tamar kale ma jirto, markaa dabaysha aad aragtaan waa
xaaluf, sidaas darteed waxa la inooga baahan yahay dhammaanteen inay dhinac uga soo
wada jeesano sidii aynu u badbaadin lahayn iyo bii’adda aynu ku nool nahay.”
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Agaasimaha hay’adda Candlelight oo isna aad uga
hadlay sidii loo ilaalin lahaa degaanka.
 

Top


Tababar Ku Saabsan Diiwaan Gelinta Hubka
Fudud Oo U Furmay Degmada Axmed Dhagax

Hargeysa, August 1, 2006 (Haatuf) – Gudoomiye ku-xigeenka Gobolka Hargeysa Cali Cawil
Cabdi ayaa shalay Tababar ku saabsan wacyi gelinta diiwaan gelinta hubka fudud ee
gacanta bulshada ku jira uga furay 30 xubnood oo ka socday dadweynaha xaafadda Axmed
Dhagax huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.

Taababarkan oo daba socday tababaro wacyi gelineed oo bulshada ku nool degmooyinka
magaalada Hargeysa loogu dhiiri gelinayo sidii ay u diiwaan gashan lahaayeen hubka fudud
ayaa waxa ka soo qayb galay madaxa gobolka iyo Degmada Hargeysa ah, saraakiil ka
socotay hay’adda UNDP iyo 30 xubnood ee loo fray oo isugu jira cuqaal, Dhalinyaro iyo
Waxgarad kale oo degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Hargeysa Cali Cawil Cabdi oo hadal ka jeediyay
tababarkan Wacyi gelinta hubka fudud ah ayaa waxa uu sheegay in ujeedada tababarkani
yahay sidii ay ka qayb galayaashan oo uu laba cisho u socon doona ay Bulshada ku nool
degmada Axmed Dhagax u gaadhsiin lahaayeen fariinta ah in bulshada hubka fudud ee ay
haystaan loo diiwaan gelinayo , isla markaana macnaha diiwaan gelinta hubka fududi in
qofka hubkiisa laga qaadayo.

Balse waxa uu sheegay inay tahay si loola socdo hubka fudud ee gacanta shacbiga ku jira,
isla markaana ay dawladda u samayso lambar diiwaanka loo geliyo qof walba qorigiisa,
kaasi oo uu sheegay in xataa ay daawo u tahay xagii Nabad gelyada.
Cali Cawil waxa uu ku booriyay ka qayb galayaasha inay bulshada ku nool degmada
Axmed Dhagax gaadhsiiyaan ujeedada dawladu uga dan leedahay diiwaan gelinta hubka
fudud inay tahay wanaag, Balse wax xumaan ahi aanay arrintaasi ku jirin.
Tababarkan oo ay iska kaashadeen wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo hay’adda UNDP
waxa kale oo ka hadlay gudoomiyaha degmada Axmed Dhagax Cabdi Iidaan Xasan iyo
Xildhibaan Maxamed Ciise Cali oo golaha deegaanka Hargeysa ah, waxaanay ka warameen
faa’iidada ay diiwaan gelinta hubka fufudi bulshada iyo dawladahaba u leedahay iyo sido
kale dhinaca Amnigaba.

Degmada Ibraahim Kood Buur ayaa iyadana Arbacada loo furi doonaa tababar noocan oo
kale ah, iyadoo tababarkan ay hore u soo qaateen labada degmo ee Gacan Libaax iyo
Maxamuud Haybe.

Top


“Arinta Shirka Jaraa’id Ee Wasiirku Waxay
Ahayd Khalad Dhinacayaga Ah, Arinta
TV-Guna Waa Cillad Farsamo”

“Golaha Wakiiladu Ma Aha Mid Qiimaysan, Sida Degdegga Ah Ee Ay Wax U Wadaana Ma Aha Mid Dalka Dhaqaysa”- Wareysi – Agaasimaha Tv-Ga Qaranka Somaliland

Hargeysa, August 1, 2006 (Haatuf) – Agaasimaha Guud ee Telefishanka Qaranka Maxamed
Muuse Diiriye ayaa shalay ka hadlay cilada farsamo ee maalmahan ugu dambeeyey la soo
deristay baahintii Tv-ga qaranka, waxaanu sidoo kale aad u weeraray golaha wakiilada ee la
soo doortay oo uu ku tilmaamay inay qaab qaldan u shaqaynayaan.

Agaasimuhu wuxu sidaas ku sheegay wareysi khaas ah oo Wargeyska Haatuf kula
yeeshay xafiiskiisa, kaas oo uu sharaxaad kaga bixiyey siyaasada iyo qorshayaasha uu ku
shaqeeyo Tv-gu, wareysigaas oo su’aalo badan lagu weydiiyey waxa uu u dhacay sidan:
S: Agaasime bal nooga waran cilada farsamo ee maalmahan ugu dambeeyey la soo
deristay baahinta Tv-ga?
J: Runtii muuqaalku waa sidiisii, waxaana kala tegay sawirkii iyo codkii, dadweynuhuna
markay baadhaan ee ay isticmaalaan BG-ga codkii iyo sawirkii oo wada socda ayaa soo
wada baxaya, arintaasina waa cilad farsamo, shalayna qaybo badan ayaanu wax ka
qabanay, cilada meesha ku jirtaana codkii iyo sawirkii ayaa kala maqan, sidii aanu codka
iyo sawirka isugu keeni lahayna waanu ku guda jirnaa, si deg-deg ahna way u
dhamaanaysaa, waxa kale oo mushkilad ahina ma jirto.

S: Waxa la sheegayaa in ciladan farsamo ay sababtay Engineer-ka Tv-ga oo aan wax
aqoon ah u lahayn hawsha uu hayo, arintaasi sideed u aragtaa?
J: Markii hore meelo kale ayaanu isku qaadnay oo aan ahayn meelaha ciladu ka timid,
hawshaana saddex maalmood ayaanu ku guda jirnay, shalayna wax badan ayaanu ka
qabanay siidii aanu codka u soo celin lahayn, dadkuna markay tv-ga shidaan researcgh-ka
ayay badinayeen, codkuna meesha wuu ka baxayaa meeshii hore ee uu ku
boroggraamaysnaa marka taasi waxay keenaysaa si codkii loo helo in dib loogu celiyo,
halkiii hore ee uu ku borogaraamaysnaa, teeda kale Engineer-ka meesha joogaa ilaa
bilowgii telefishanka ayuu joogay, mana jirto wax aqoon la’aan ah oo haysaa, shalayna
waxaan u yeedhay khubaro shine ah iyo engineero reer Somaliland ah, taawarka ayaanay
fuuleen, meelo farsamo ahaan dabacsanaa ayay xidhxidheen oo ay adkeeyeen, laakiin
kolayba Tv-ga Frequency-giisu waa xaasaasi oo taabashada ayuu isku bedelayaa, hadii uu
inyar ka dhaqaaqo halkii uu taagnaana system-koo dhan ayaa isbedelaya, Engineer-radii
tv-ga rakibay muddo saddex maalmood ah ayay ku qaadatay sidii ay codka u soo saari
lahaayeen, ilaa markii dambe ay shirkadii la xidhiidheen oo halkaa laga soo hagay, markaa
waxaan dadweynaha u soo jeedinayaa intaanu cilada saarayno si ay codka iyo sawirka
isula helaan inay baadhaan B/G.

S: Waxa jiray in golaha wakiiladu ay Tv-ga ku eedeeyeen inaanu u xaq-soorin golayaasha
qaranka oo uu xukuumada u adeego, sideed u aragtaa arintaasi?
J: Horta golaha wakiiladu waxa uu ka mid yahay golayaasha qaranka, halkana waxaanu
keenay gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada, waxaanse u arkaa ruqo
ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo, anigu golihii wakiilada ee hore ayaan ka mid ahaa,
toosinta iyo canaadistuna waa kala laba, waxaan filayaa inay xoqasho uun ka tahaye,
aanay ka ahayn Maxamed Muusaa dhinac raacay golaha, waxayse ummaddu uga fadhidaa
wixii loo soo doortay oo ah shuruucda hortaala, iyaga oo aan iyagiiba aanay dadweynuhu
qiimayn oo aanay tijaabin ayay wax qiimaynayaan, goormaydin wax qiimayn, idinkaan
qiimaysnayne, golaha wakiiladu waxya ahayd markay sanadka hore ee tijaabada ah ka
baxaan inay wax qiimeeyaan, niman isagiiba qiimaysnayn haduu isku qaado arrimo
Intistutetion kale leeyahay iyo waxaan u oolin, waxay ila tahay golaha wakiilada waa ku
khalad, waxaana looga baahan yahay inay shuruucda dalka u taala dejiyaan oo ay
ansixiyaan, wixii ay toosin karaana toosiyaan, laakiin suurta gal maaha anigoo imika
dhashay inaan ordo, golaha wakiiladuna hadii ay sidaasi ku waaan way turanturoon
doonaan, sida ay hadda u muuqdaana anagaa dadka hogaaminayna anagaa, fulintiisa,
anagaa guurtidiiya, golaha wakiiladuna hadii erayo aanu ku dhaliilayno ay Tv-ga ka baxaan,
dee xaq bay dadku u leeyihiin inay ogaadaan golahoodii ay doorteen halkuu u wado,
dawladii oo dhan intay ka tageen ayay hay’ad yar oo la yidhaahdo Akadamiyadu ay ku tidhi
waxaanu idin gaynaynaa Nairobi, siyaasadii dalkaba hay’ad yar bay u daba fadhiisteen,
halkay iyagii wax ka hagi lahaayeen, aniga waxay ila tahay golaha wakiiladu wax ha ka
bedelaan qaabkii ay u shaqaynayeen, rag badan oo mudakar ahi way ku jiraan, balse rag
badan oo degdegsan ayaa ku jira.

S: Ma waxaad u jeedaa oo aad leedahay golaha wakiiladu sax iyo khaladba xukuumadda
ha ku raaceen oo ha daba fadhiisteen?
J: Maya anigu sidaa ma lihi, xaqna way u leeyihiin in la xisaabtamo, balse anigu waxaan ka
hadlayaa sidan deg-dega ah ee ay wax ku wadaan, maaha si dalka iyo dadka dhaqaysa,
waxaana ka muuqda degdeg farabadan.

S: Sideed u aragtaa go’aankii golaha wakiiladu ku sheegeen in la hakiyo miisaaniyada tv-ga
inta sharciyadiisa xukuumadu keenayso?
J: Anigu, waxaan ka tirsannahay wasaarada warfaafinta, agaasime guud oo maamulkiisa u
madax banaan ayaan ahay, marka ay leeyihiin sharcigii Tv-ga ha la keeno oo ha la
sameeyo, dee Institution dhan oo dhisan ayaan ku tiirsanahaye maxay taas u arki
waayeen, wasaarada warfaafintu ma sharci daray ku dhisan tahay, waa may ayaan
leeyahay.

S: Waxa lagu dhaliilaa in tv-ga aad madaxda ka tahay wararka shirarka jaraa’id ee
masuuliyiinta xukuumadu qabtaan in laga reebo wixii xaqooqooyin ah, sida kii wasiirka
macdanta iyo biyaha ee dhowaan uu qabtay, arintaas ka waran?
J: Arintaasi maalintaasi khalad bay u dhacday, wasiirkuna isagaa dalbaday warbaahinta oo
may ahayn mid warbaahintu doonatay, maadaama uu shir-jaraa’id qabtayna wixii uu soo
bandhigay in la dhegaysto ayey ahayd, khalad dhinacayaga ka dhacay ayay ahayd, taasna
waaanu qaadanaynaa.

S: Inta badan barnaamijyada Tv-ga ka baxa waxa la sheegaa in si dadban looga maamulo
madaxtooyada, arimahaas sideed u aragtaa?
J: Dadkeenu way iska hadal badan yihiin, wararkaana waxba kama jiraan, waanu u madax
banaannahay barnaamijyada iyo wararkayagaba, bahweynta madaxa banaan ayaananu ka
mid nahay, idinku Haatuf ahaan sidaad doontaan ayaad ugu dhigtaan, cidaad doontaan,
anaguna sida aanu doono ayaanu ugu dhignaa cida aanu doono, markaa maadaama
warbaahintu leedahay hadaf siyaasadeed uu ku shaqeeyo anaguna hadaf iyo qorshe ayaanu
leenahay oo ku shaqaynaa.

S: Wargeyska Haatuf si dhexdhexaad ah ayuu wararkiisa ummadda ugu bandhigaa, balse
waxa laga cabanayaa waxaa siyaasadda Tv-ga?
J: Waynu is ognahay oo sidaad doontaan ayaad wax u qortaan, waxaad tidhaahdaan ilo
xog-ogaal ah iyo warar aanu soo xiganay, waxaad haysataan seeftaa labada af leh ee ninka
aad doontaana ku dishaan, ninka aad doontaana ku deysaan, markaa anaguna sidaa ay
saxaafadda dalku u shaqayso ayaanu shaqaynaa ee yaynaan is qodqodin, waxaanan
idiinka digayaa inaynu ka gudubno qolooyinkeena saxaafaddu muranada siyaasadeed ee
aynu buunbuuninayno.
 

Top