Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Doodo
Xaasaasiya Ka Yeeshay Ajandaha Kalfadhigooda 3-Aad
Wasiirka Qorsheynta Oo Caalamka Ugu Baaqay
In
Aan Deeqaha Somaliland Lagu Xidhin Khilaafka U
Dhexeeya Kooxaha Somaaliya Isku Haya
Dhul Ku Yaalla Boorama Oo Mar Kale
Dhaliyey
Iska Hor Imaad Hubaysan
ASLI INTERNET
Qaybtii 5aad: Taariikh Nololeedkii Xirsi
Bahal Ma-Xumaade
Warbixinno Ku Saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika
Jama Musse Jama (jamamusse@tin.it) iyo Nur Xirsi Bahal
TV-Ga Gaarka Ah Ee Boorame Oo Lagu Eedeeyey
Barnaamijyo Uu Baahiyey Oo La Xidhiidha
Maxkamadaha Islaamiga Ah Ee Muqdisho
|
|
Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Doodo
Xaasaasiya Ka Yeeshay Ajandaha Kalfadhigooda 3-Aad |
Waa In Ajandaha Lagu Soo Daro Siyaasada Arrimaha Dibada Iyo Ansixinta
Heshiisyada Caalamiga Ah……....{ Md. Maxamed Jaamac Cabdi}
Xeerka Xadaynta Mushaharka Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo
Golayaashuba ……..{Md. Xamse Gaada-Weyne}
Nin Wallow-Ba Waxa Diin Kuu Noqday Xisbi Hadaanu Udub Nahayna…….{Md.Xariir
Siciid Bulaale}
Hargeysa, September 3, 2006 (Haatuf) – Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa
fadhigoodii shalay dood kulul ka yeeshay ajandaha kalfadhigooda 3-aad oo
todobaadkii hore loo qaybiyey golaha.
Fadhigii shalay oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan
Maxamed C/laahi (Cirro), waxay mudanayaashu dood xaasaasiya ka yeesheen
qodobo ku jira ajandaha kalfadhigoodan 3-aad oo ay ka mid yihiin xeerka
doorashada golaha guurtida, xeerka xadaynta mushaharka madaxweyne,
madaxweyne ku xigeenka iyo golayaasha iyo xeerka diwaan-gelinta cod-bixiyayaasha,
qodobadaas oo dhamaantood ay mudanayaasha xisbiga UDUB ku soo jeediyeen
doodahooda in ajandaha kalfadhiga laga saaro, halka ay mudanayaasha
isbahaysiga labada xisbi mucaarad ee Kulmiye iyo UCID doodahooda ku soo
jeediyeen in ay lagama maarmaan tahay in qodobadaasi ajandaha ku jiraan.
Ugu horeyn gudoomiyaha guddida shuruucda ee golaha C/raxmaan Cismaan
Caalin ayaa mudanayaasha golaha warbixin kooban ka siiyey CV-ga
gudoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maxkamada Sare Maxamed Xirsi Ismaaciil
(Oomane) oo uu sheegay in hawlaha garsoorka uu ku soo jirey Sanadihii 1973
ilaa 87-kii, isla markaana u sheegay inuu yahay masuul u qalma jagada loo
magacaabay, una soo jeediyey mudanayaasha inay ansixiyaan.
Intaa ka dib, waxa uu goluhu guda galay dooda ajandaha kalfadhigooda
3-aad, halkaas oo ay dooda ka dhiibteen mudanayaal gaadhay dhowr iyo toban
mudane, ugu horeyna Md. Cali Obsiiye Diiriye ayaa doodiisa ku dhiibtay
“Xeerka doorashada golaha guurtida waa in la qabyo-tiro oo laga
baaraan-dego, dad khubaro ahna loo qabto. Xeerka xadaynta mushaharka
madaxweyne iyo ku xigeenka waxa hore u sameeyey golihii hore ee Wakiilada,
waxaana loo baahan yahay inay xeerkaas wasaarada maaliyadu keento, waana
in laga saaro ajandaha. Dhinaca kale xeerka diwaan-gelinta codbixiyayaasha
waxa xaq u leh samayntiisa wasaarada arrimaha gudaha, sidaas dartedna waa
in laga saaro xeerkaasi ajandaha kalfadhiga oo la hakiyo’.
Md. Xamse Gaada-weyne ayaa isaguna ku dooday “Xeerkan xadaynta mushaharka
madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka iyo golayaashuba waa xeer
miisaankiisa leh oo loo baahan yahay in ahmiyad balaadhan la siiyo”.
Md. C/raxmaan Maxamed Jaamac ayaa isaguna ku dooday “Ajandaha kalfadhiga
waxa ugu muhiimsan in la soo horumariyo oo lagu koobo qodobada ay ka miud
yihiin xeerka boosaha iyo isgaadhsiinta, xeerka nidaamka wadooyinka iyo
gaadiidka, xeerka caasimada, xeerka macdanta iyo tamarta, waxaanan soo
jeedin lahaa in ajandaha laga saaro xeerarka doorashada golaha guurtida,
xadaynta mushaharka madaxweyne iyo ku xigeenkiisa, diwaan-gelinta
codbixiyayaasha, kuwaas oo buuq iyo khilaaf golaha ku dhex-abuuri kara”.
Md. Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa isaguna ku dooday “Ajandaha kalfadhigani
waxa uu u muqdaa mid aad uga badan wakhtiga aynu haysano, sidaas darteed
waxaan soo jeedin lahaa in ajandaha lagu soo reebo oo kaliya xeerka
caasimada u gaarka ah, xeerarka kalena kalfadhiyada dambe lagu riixo”.
Md. Maxamed Jaamac Cabdi ayaa isaguna ku dooday “Waa in ajandaha lagu soo
daro siyaasada arimaha dibada iyo ansixinta barnaamijka xukuumada iyo
heshiisyada caalamiga ah ee ay xukuumadu la gasho shirkadaha shisheeye,
xeerarka diwaan-gelinta codbixiyayaasha iyo xadaynta mushaharka
madaxweynaha iyo ku xigeenkiisuna waa xeerar muhiim ah, dastuurka qaranka
ayaana tilmaamaya, hadii ay xukuumadu curin-weyday xeeararkaasna waa
waajin in ay inaga inaga yimaadaan curinta iyo samayntooduba”.
Md. Maxamed Cumar Jiir ayaa isaguna ku dooday “Waxaan soo jeedin lahaa
qodobka ansixinta masuuliyiinta la magacaabay marka la fahmo ujeedooyinka
uu ku shaqaynayo masuulka ee layna soo hordhigo barnaamijkiisa waa inaynu
ansixino, ka dib marka layna soo hordhigo barnaamijkooda ay ku
shaqaynayaan”.
Md. Xuseen Maxamed Cige ayaa isaguna ku dooday “Waa in xeerka doorashada
golaha guurtida loogu horeysiiyo ajandaha, maxaa yeelay xeerkaasi waa mid
si weyn laynooga sugayo inaynu soo saarno oo ay ummadduna wakhtigan
xaadirka ah aad isku weydiinayso xeerkan. Wasaarada maaliyadu waxay hore
inoogu sheegtay in mushaharka madaxweynaha ay damacsan tahay in loo sii
kordhiyo oo kor loo qaado mushaharkooda ay qaataan oo ay sheegeen in aanu
ku filnayn, markaa arin dambe oo loogu noqdo wasaarada maaliyada meesha ma
taalo ee waa in xeerka xadaynta mushaharka madaxdweynaha iyo madaxweyne
xigeenka iyo golayaashaba uu ku jiro ajandaha oo sidiisa loo daayo”. Md. Maxamed Saalax Cige ayaa isaguna ku dooday “Waa in ajandaha lagu soo
daro warbixinta guddiyada golaha ee shuruucda loo dhiibay, ansixinta
masuuliyiinta qarankana waxaan soo jeedin lahaa in ajandaha laga saaro,
maadaama ay markasta ansixinta masuuliyiinta qaranku ay ina hortaalo,
waana in lagu bedelo meeshooda xeerarka kaabista iyo wax ka bedelka dhulka,
ciqaabta guud, garsoorka caruurta”.
Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa isaguna ku dooday “Waxaan soo
jeedin lahaa in ajandaha lagu soo daro warbixinadii mudanayaashu ka soo
diyaariyeen goboladii laga soo doortay ee ay socdaalada ku tageen, waxaana
qodobka 15-aad ee dastuurku, faqradiisa 6-aad tilmaamaysaa in golaha
wakiilada la horkeeno xisaab-xidh sannadkeedka ilaa hadana sanadkii 5-aad
ayaan layna horkeenin, sidaas darteed waa in ajandaha lagu soo daro
arrimaha xisaab xidhka, mudanayaal aanu gudida dhaqaalaha ka wada
tirsanayn ilaa barigaa horeba waxay na lahaayeen waar aynu bahasha iska
sii dayno, taasina wax na anfici mayso, wasaaradaha maaliyada iyo arimaha
guduhuna wax shaqo ah kuma laha xeerarka samayntooda ee inagaa waajib u
leh.
Md. Xariir Siciid Bulaale ayaa isaguna ku dooday “Nin walowba waxa diin
kuu noqday xisbi, cid aan Isaaq ahayna lama diwaan-gelinayo, yaa Boholaha
Xargagan tegaya oo wax ka soo diwaan-gelinaya, Ciise iyo Gadabbuursina way
dhaqaaqayaan, hadaanay mudanayaasha xisbiga UDUB nahayna anagu ma ogolin
xeerarka doorashada codbixiyayaasha iyo xadaynta mushaharka madaxweyna iyo
ku xigeenkiisaba, sidaasananu aaminsanahay, waana in laga saaro ajandaha”.
Md. C/raxmaan Cismaan Caalin ayaa isaguna ku dooday “Waa in ajandaha lagu
soo daro warbixinada guddiyada golaha iyo barnaamijka xukuumadaba”.
Md. Maxamuud Jaamac Cilmi (Dable) ayaa isaguna ku dooday “Waa in xuquuqda
gunnooyinka masuuliyiinta qaranka loo daayo wasaarada maaliayda, xeerka
doorashada guurtidana waa in laga saaro ajanadaha oo qawaaniinta iyo
sharciyadii ina siinayay samayntooda layna horkeeno, sixirka shidaalka ee
qaali garoobay iyo dhibaatooyinka ka jira dekeda Berbera iyo duruufaha ka
taaganba waa in lagu sood daro ajandaha kalfadhiga”.
Ugu dambeyn, waxa iyaguna doodahooda ku saleeyey in ajandaha kalfadhiga
laga saaro xeerarka doorashada golaha guurtida, diwaan gelinta
codbixiyayaasha iyo xadaynta mushaharka madaxweynaha iyo madaxweyne ku
xigeenka, mudanayaasha kala ah C/kariim Aw Cali Shabeel, Xuseen Ismaaciil
Yuusuf, Axmed Barkhad Obsiiye, Mataan Hoori iyo mudanayaal kale oo dhowr
ah. Top
Wasiirka Qorsheynta Oo Caalamka Ugu Baaqay
In
Aan Deeqaha Somaliland Lagu Xidhin Khilaafka U
Dhexeeya Kooxaha Somaaliya Isku Haya |
“Haddii Lanaga Joojiyo Deeqahaas Waxaanu U Aragnaa Dambi Xuquuqda Aadamiga
Laga Galay”
Hargeysa, September 3, 2006 (Haatuf) – Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee
Somaliland Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare) ayaa beesha caalamka ugu baaqay
in Somaliland macaawinooyinkeeda lagu xidhin, shardina looga dhigin
heshiis dhexmara kooxaha isku haya Somaliya ee Midowga Maxkamadaha iyo
Dawlada Federalka ah, isaga oo intaas ku daray hadii deeqaha Somaliland
loogu talo galay la joojiyo ay u arki doonaan dambei xuquuqda aadamaha
laga galay.
Sidaana waxa uu wasiirka qorsheynta qaranku shir-jaraa’id oo uu shalay ku
qabtay xafiiskiisa,isla markaana goob joog ka ahaayeen wasiiru dawlaha
arimaha dibada Siciid maxamed Nuur iyo wasiir ku xigeenka qorsheynta
qaranku Axmed Xaashi Cabdi,shirka jaraa’id oo uu wasiirka qarshayntu ka
akhriyay qoraal uu arrimahaasi kaga hadlay isagoo dhamaystirana waxa uu u
qornaa sidan:
“Sida warbaahinta caalamku faafiyeen ee ku saabsan mawqifka ay qaateen
deeq bixiyayaasha caalamiga ah ee ku saabsan deeqdii la siin lahaa dalkii
la isku odhan jirey Somaliya, taas oo ay sheegeen in haddii ay heshiin
waayaan dawlada Federalka ah iyo Midowga Maxaakiimta Islaamka ah ee hadda
ku shiraya caasimada Sudan ee Khartuum in shirkii lagu qaban lahaa Rome ee
deeqda loogu ballan-qaadi lahaa dalkii hore loo odhan jirey Somaliya aan
la qaban doonin.
Haddaba, waxaan jecel nahay in aan u sheegno beesha caalamka in Somaliland
oo madax-banaanideeda la soo noqotay sanadkii 1991-kii ay doonayso, isla
markaana u rajaynayso in Somaliya heshiiso, hase ahaatee haddii ay heshiis
gaadhi waayaan kooxahaasi ku shiraya Khartuum in aan deeqdayadii
horumarineed lagu xidhin wixii ka soo baxa shirka ka socda Khartuum.
Sidaas awgeed, waxaanu deeq bixiyayaasha caalamiga ah weydiisanaynaa in
sidii horeba looga wada hadlay deeqdayada la xidhiidha mashaariicda
horumarineed gaar nalooga dhigo, hadii aanu shirkaas heshiis ka soo bixin,
deeqdaasna sidaas nalooga joojiyo waxaanu u aragnaa dembi xuquuqda
aadamiga laga galay, isla markaana nalagu ciqaabayo nabadda, xasiloonida
iyo dimoqraadiyada aanu dalkayaga ka hirgelinay”
Intaa ka dib su’aalihii halkaa lagu weydiiyey wasiirka iyo jawaabahoodiiba
waxay u dhaceen sidan:
S- Marka hore mala odhan karaa heshiiskii ay xukuumada Somaliland la
gashay JNA-DA kama madax banaanayn dhinacyada Soomaaliya .
J- Maya lama odhan karo deeqaha Caalamka laga bixiyaa waxay ku sar go’an
yihiin form work ay bixiyaan dalalka deeq bixiyayaashu, laakiin innaga
deeqdeenu waa mid cad oo toosa, wixii xaqa aynu u leenahayna kagama
tagayno deeqaheenu inay toos ahaadaan oo hore ayaa looga heshiiyay.
S- Shirka Rome lagu qabanayo ee lagu ururinayo deeqaha miyaad kala
xidhiidheen hay’addaha Caalamiga ah ee deeqda bixiya?
J- Shirkan oo ku saabsanaa in lagu soo bandhigo meelaha baahiyaha deeqaha
u baahan oo lagu qaybin lahaa hay’addaha deeqaha bixiyaana ay kasoo qayb
galaan shirkaana aynu doodaheena ka soo jeedin lahayn.
S- Dhowaan waxaa madaarka laga soo celiyey wafti isugu jira wasiirada
qoyska iyo xubno ka socda wakiilada iyo golaha deegaanka oo magaalada
nayroobi kaga qayb gali lahaa shir, taasoo hay’ada ICAO ay sheegtay in la
yidhi ha soo qaadina, arrintaa maxaa talaabo ka qaadaysaan?
J- Arrintaa waanu ka wada hadalnay wasaarada arrimaha qoyska warqadna
waanu u dirnay hay’adda UNECEF aanu ku leenahay idinkoo wafti Somaliland
ah casuumay waxay u tagi waayeen shirkaasi, arrintaasi wali jawaab ayaanu
ka sugaynaa markaasaanu talaabada ku haboon ka qaadan doonaa.
S- Xidhiidhka ururada shaqaalaha dhismihiisu waa maxay mawqifka aad ka
qabtaan?
J- Runtii xidhiidhka ururada shaqaalaha, oo hada dhismihiisa lagu jiro waa
mid dalku u baahan yahay wasiirka shaqadaana ku shaqo leh, laakiin wadan
aan lahayn urur shaqaale berrigii hore ayaan hay’adda ILO, joogay ee imika
joogourur shaqaale hsaqaale dimoqraadiyadiisa iy horumarkiisa wax weyn baa
ka dhiman, waayo door weyn ayuu ka ciyaara xidhiidhka shaqaalha dalka ayaa
horumar weyn ah, waxaana loo baahan yahay in arrimaha xidhiidhka
shaqaalaha la xoojiyo oo laga gudbo arrimaha beelaha waxaanan jecelahay in
su’aalahaasi wasiirka shaqada la su’aalo. Top
Dhul Ku Yaalla Boorama Oo Mar Kale
Dhaliyey
Iska Hor Imaad Hubaysan |
Boorama, September 3, 2006 (Haatuf) Tacshiirado rasaas ah ayaa shalay la
isku isweydaarsaday agagaarka Magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal,
ka dib markii ay laba kooxood oo dablay ah oo ka wada tirsan beelaha
deegaankaasi ay iskaga horyimaadeen dhul ku yaala halkaasi oo ay
lahaanshihiisa lagu muransanaa. Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee Awdal Maxamed Cumar tacshiiradan
ayaa bilaabantay abaaro 9 subaxnimo ee shalay, iyada oo laga maqlayey
daafaha magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.
Lama sheegin cid wax ku noqotay tacshiiradan, hase yeeshee waxa ay wararku
intaasi ku dareen inay socotay ilaa saacad iyo badh, balse markii dambe
waxa joojinta iska horimaadkaasi ka hawlgalay Guddoomiyaha gobolka Awdal,
oo ay goobtaasi u dhawdahay gurigiisa, Maamulka dawladda Hoose ee Boorama
iyo ciidanka amniga, kuwaasi oo goobtaasi u gurmaday si aanay xaaladdu
faraha uga bixin.
Masuuliyiintan ayaa ku guulaystay joojinta tacshiiradaasi rasaasta ah ee
ay labada dhinac is-weydaarsanayeen.
Dhulka sababay iska horimaadkan shalay ayaa murankiisa dhawr jeer oo hore
go’aamo laga gaadhay, balse marba soo laba kaclaynayey, iyada oo ay
dhex-dhexaadinta arrintani ka hawlgaleen xubno ka kala tirsan labada
beelood iyo dad kaleba, balse isku daygii ugu dambeeyey ee dhulkaasi lagu
kala saarayey cidii isku hayssatay ayaa waxa uu dhacay sannadkii
2000,wakhtigaasoo guddi heer qaran ah kana koobnaa lix wasiir oo
Somaliland xukuumaddeeda ka tirsan, isla markaana uu horkacayey wasiirkii
hore ee madaxtooyada wakhtigaasi lana yidhaa Jaamac Saalax, wasiirkii hore
kalluumaysiga Axmed xuseen Oomane iyo Qaasim Sheekh Yuusf oo Wakhtigaa
ahaa wasiir ku xigeen, maantana ah wasiirka macdanta iyo biyaha ,odayaal ,caaqiillada
reer Boorama qaarkood, kuwaas oo soo saaray go'aan la sheegay in lagu
dhammeeyey khilaafkaasi balse lama oga sababta wakhtigan khilaafkaasi usoo
noqday iyadoo khilaafkan iyo tacshiiraddanna yihiin kuwii ugu horreeyey ee
durba maamulka cusub ee Golaha deegaanka Boorama la kowsado.
Inkasta oo ay tacshiiradani ka dhacday shalay magaalada Boorame, haddana
guud ahaanba iska horimaadkani waxba kama bedelin xaalada nabadgelyada,
wax walibana caadigoodii ayey u socdeen. Top
Cali Duul-Duul
Sheekaba sheekay keentaaye, waxa la yidhi beri baa waxa jirey askari ka
tirsanaa ciidankii dawladii Maxamed Siyaad Bare, dabeed muddo dhowr sanno
ah ayaa askarigaasi wuxu u soo taagnaa taliyihiisa oo ku qudbadeeya afarta
injirta leh waa inaad soo qabataan, afartaas oo uu ula jeedo ciidamadii
SNM, taas oo uu goob-joog ka ahaa askarigaasi dhawr dagaal oo ay iskaga
horyimaadeen guutadii uu ka tirsanaa iyo kuwii SNM-tu oo labada dhinacba
lagu dhintay, haddana waxa uu askarigii u qaadan waayay markii uu arkay
taliyihiisii oo haddana halkii la taagan afartii uu caadaystay. Dabeedna
askarigii ayaa yidhi subaxii dambe taliye nimanka mid ma dhintee oo saddex
ma noqdaanoo mid kuma biiro oo shan ma noqdaano.
Haddaba, taa waxaan uga jeedaa Somaliland 91-kii baa lagu dhawaaqay,
mab’da ahaana waxay ahayd go’aan aynu qaadanay, hase ahaatee ilaa mudadaa
dheer ilaa saaka madax iyo minjo qofkii wax la weydiiyaaba anagu 91-kii
baanu goosanay, nabadgelyo iyo maamulna waanu hirgelinay, markaa waa iga
su’aale labadaa ma dhaafto oo saddex ma noqoto, midse kama dhinmo, halna
ma noqoto. Ta kale ee iga yaabisay waxay tahay waxa maalin kasta loo
leeyahay waa madax banaannahay ee loogu sheego hay’daha inala degan ma
baytari habeenkii la buuxiyo oo subaxiina dabku ka baxaa baa, tallow miyaa
la bah-dilayaa, mise waan mooday, maxaase aynu cadaysanay ra’yi kasta oo
aynu isweydiino sida Tv-yada, Idaacada iyo shirarka kale ee la qabto in
aynu nidhaahno khatar bay inagu hayaan dad aan wax awoodaba haynin oo
toodiiba u liita, isda maxaakiimta ama dawlada aan Baydhabo xagna u
dhaafsiisnayn, sidii bakeeri jabaya, waa yaab.
Nimanyahow kadeed baa jiroo
Laysku soo kadiyee
Kolba qaar karaahiya qabaa
Soo kadaliya’e
Kaalmaha shidaal total bay
Kibidh wadaagaane
Midba wuxuu ka kale ugu martaa
Kiisku yuu qabane
Inay koox wala ah yihiin waa
Kalaam dhabahe
Ku dariyo ku kiciyey noqdeen
Kaashi noo galaye
Kudka iyo sidii karahay
Noo kaltamayaane
Ku waliba wuxuu doonayaa
Kaash u dheeriyahe
Hanoo kadin kariimow adaa
Kaamiloo jira’e
Kaanbaynkan lagu jiroo ma garan
Sheeko kala kaane
Kuweyd iyo sidii aanu gadar
Joogno kadinkeeda
Ama kiimankii nahay carbeed
Kaydka culus haysta
Shidaalkii kor baa loo wadaa
Kaah bidhaamaba’e
Obig baan ku hayn qimahay
Shalay ku keeneene
Kobtan aan ka soo qaadanaan
Gelin kaskaygiiye
Karimow hanoo kadin adaa
Kaamilo jira’e
Ku kaloo ka sii daran hadaan
Kaafka ka higaadsho
Anigoon kalahin waa inaan
Kaga kadhsiiyaaye
Kiriim cadarle goosarado kidhan
Kimis la iidaamay
Kartoon madhan kilaadhida camiran
Keeg la cuni waayey
Kulayl iyo qabow wada socdoo
Koranto jiidayso
Waa waxaa karan keeniyo dilay
Kabkeeniiye
Nooga sahal kariimow aadaa
Kaamiloo jira’e
Mid kansala mid keeryoone wada
Kiile mid u iibshaa
Kuruska iyo jebiskiyo kobraha
Magacyo koobkooban
Kun qaado isdaba kooriyo kala
Go’ayn maalin
Kabadh iyo barkimo lagu qayilo
Kurey shaqaynaaya
Kaafay subaxii laga soo dalbado
Kaalintiiyo baarka
Kool la diro ku kale uu ku dhacoo
Kayga geli geli maayo
Kun kardhaday kun koodhadhay iyo
Boqol kadlaynaaya
Iyo kuman kubado daawadoo kiishash
Laga buuxshey
Kujuu iyo kajaa soconaysoo
Karintan dhaafay
Nin kursi laysku haystiyo wareer korobshan buuq taagan
Kaalay ila shir
Kaa kale ha qaban keligay
Uun waafaq
Kugu raaci maayiyo anaa
Kaabe kugu diiday
Kuligeen hadii laysku kuro
Koone iyo koone
Kubuyuutar qudhi wuxuu karaa
inaga kiil roone
kaasay isku keen dhaama oo loo
Kalsoonyahaye
Kashiisaa waxaad geliso buu
Kaaba luminayne
Oo kuu raseef tahay ilaa
Kumaan sanaa wade
Sidii sebi karirida dhaqdiyo
Koronkor yaacaysa
Kontan sanno hawadan aan wadnaa
Kamarad weeyaane
Kol uun inaan isdhaanaa miyey
Kaafka kuba oolin. Top
Qaybtii 5aad: Taariikh Nololeedkii Xirsi
Bahal Ma-Xumaade
Warbixinno Ku Saabsan Cilmi-Dhegoodka Geeska Afrika
Jama Musse Jama (jamamusse@tin.it) iyo Nur Xirsi Bahal ( nurb@rom.on.ca)
10 Waaberiis / 10 Shacbaan 1427 / 3 Seebtember 2006 |
Qaybtii afraad ee taxanahan [1] waxaynu kusoo xusnay geeridii aqoonyahan
ka baxay kal hore ummadda, Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed - Afrikaani oo ku
geeriyooday Hargeysa bishii afraad ee 2005. Tuskan waxaynu ku eegaynaa
taariikh nololeedkii yahan ka mid ahaa dadkii ugu aqoonta dheeraa cilmiga
xiddigiska Geeska Afrika, Xirsi Bahal Maxumaade.
Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal wuxuu ku tilmaamay in uu Xirsi yahay [ahaa]
dhakhtar dhaqameed ku takhasusay aqoonta daawaynta, waxaana uu ku daray
dadka fara ku tiriska ee ehelka u ah cilmi dhegoodka xiddigaha iyo hawada
ee ku salaysan saynis dhaqameedka. Muuse, Ilaahay labada naxariistii janno
ha ka waraabiyee, wuxuu kula kulmay Xirsi magaalada Boorame [2].
Xirsi Bahal Maxumaade wuxu ku dhashay degaanka Dallaymaleh oo ka mid ah
gobolka Soomaalida ee dalka Itoobbiya. Sida isaga laga soo wariyeyna,
wuxuu ku qiyaasay in uu dhashay 1880naadkii. Xirsi wuxuu aaminsanaa in uu
nasiib u helay in dhalashadiisa iyo barbaariddiisuba ay la kulmeen goor uu
taabbagal yahay dhaqan Soomaaliyeed oo sooc ahi. Xirsi Bahal wuxu
yaraantiisii ku tilmaannaa, oo loo lagu yiqiin waydiin, wardoon iyo raadin
si uu barto xogta dhaqanka Soomaaliyeed siiba qaybta cilmiga xiddigaha iyo
faalka.
Deegaanka uu Xirsi ku dhashay waxa ka jiray cilmi dhegood qoto dheer
socdayna muddo badan oo ay da'iba da'da ka dambaysa af ugu gudbinaysay.
Waxa ku meersanaa oo uu dhex joogay qaar ka mid ah odayada horseedka u ah
cilmi dhegoodka oo ka haqab tiri jiray baahidiisa aqooneed. Ragga ku xeel
dheera cilmi dhegoodka iyo faalkaba oo ay ka mid ahayeen aabbihii, Bahal
Maxumaade, abtiyaashii iyo awoowyadii ayaa u ahaa saldhigga barbaarinta
aqoonta ee rukunka u aasay aqoonta Xirsi Bahal ee xiddigaha iyo faalkaba.
Inta badan dhaqanka Soomaalidu siduu ahaa xilligan uu hana qaaday Xirsi
Bahal, wuxu ku kacaamay geeljirenimo. Siduu taariikhdiisa ku xusayna wuxu
aqoonta xiddigaha iyo faalkaba ku layli baxay muddadii uu geeljiraha ahaa.
"Waxa ii suura gashay", ayuu yidhi, "inan u fiirsado xidhiidhka ka
dhexeeya cimilada, dabaylaha, xiddigaha, dayaxa iyo wakhtiga lagu jiro".
Wuxu Xirsi Bahal goor walba adkayn jiray in aanay jirin "ifafaale kali
taagan oo aanay saamayn ku lahayn ifafaalooyin kale ama kuwa u dhaw ama
qaar ka dheer midday doonaan ba ha noqdaane. Dabaylahu waxay saameeyaan
roobka, kulaylka iyo qabowga, waxayna sidaan farriin lagu garan karo sida
xilligu noqon doono muddada soo socota". Xirsi Bahal wuxu fahmay una
fiirsaday sida ay isugu xidhan yihiin xilliga iyo xiddigaha. Wuxu odhan
jiray "fadhiisinka xiddigaha iyo xilliga waxa ka dhexeeya xidhiidh,
dhacdooyinkana samaantooda iyo xumaantooda waxa saameeya guriga xiddigaha
qaarkood ay fadhiyaan wakhtigaas". Xiddig waliba waxay u lahayd astaan
lagu yaqaanno oo gaar ah sida colaad iyo dagaal, barwaaqo, abaar, socdaal,
nagaasho, taran, cudur iwm.
Xirsi Bahal waxa kale oo uu si toos ah isugu xidhi jiray xiddigaha iyo
faalka. Wuxu aaminsanaa faalku in aanu been sheegin haddii aan qofku been
sheegin. Wuxu taas uga jeeday; faalku in uu u baahan yahay in qofka
faalinayaa si toos u akhriyi karo ifafaalooyinka saamaynta ku leh oo dhan
oo uu fahmo sida ay u kala saamayn wayn yihiin iyo saamayn walba waxa ka
imanaya.
Waxa kale oo uu adkayn jiray in dhaqanka qofka faalinayaa si wayn u
saameeyo tayada faalka.Wuxu odhan jiray "Ma rumoobo faalka tuugga iyo
beenaaluhu". Iyadoo la doonayo in la ogaado qotada cilmiga faalka ee
aqoonyahankani leeyahay ayaa magaalada Boorama ay saaxiibadii ugu
tashadeen inay imtixaamaan. Waxay qodeen god dheer oo ay ku aaseen saxaro
dad ka dibna waxay u yeedheen Xirsi Bahal oo ay ku yidhaahdeen "haddaad
faal taqaan sheeg godkan waxa ku jira". Markuu Xirsi Bahal faalkii rogay
ayuu saaxiibadii ku yidhi weedh ilaa maanta noqotay halhays, "Waar faalku
sankuu haystaa".
In kastoo uu geeljirenimo ku hanaqaaday haddana marnaba kama fogayn
magaalo gaar ahaan muddadii ay da'diisu gaadhay 30 jir iyo ka dib. Taasina
waxay u suuro galisay in uu arko sida ay u kala duwan yihiin dhaqanka
miyiga iyo magaaladu. Wuxu goor walba tilmaami jiray inay magaaladu "u
xaglinayso kali noolaasho oo uu yaraanayo wadaaggii iyo wax wada lahaadkii".
Waxa kale oo uu aad ugu fiirsan jiray in dadka magaaladu ay ka tegayaan
dhaqankii runta ahaa ee Soomaalida wuxuna ku tilmaami jiray "Soomaali
Qaawan". Wuxu odhan jiray "qofku haddii aanu ku taagnayn raadkii
dhaqankiisa waa qof qaawan".
Ummad waliba waxay leedahay si gooni ah oo ay wax u aragto dhaqankuna waa
aragtida dadka ee nolosha. Hadday dadku ka tagaan dhaqankooda, waxa ku
bata is afgaran waaga iyo khilaafka maxaa yeelay waxay ka tegeen wixii ay
isku af garanayeen".
Xirsi Bahal wuxu ugu dambaystii degay magaalada Boorama. Inkastoo uu reer
magaal noqday haddana kama tegin dhaqankii uu ku soo barbaaray. Wuxuu wax
u cuni jirey, una labisan jiray sidii dhaqanka u ahayd oo wuxu xidhan
jiray labadii go'ee caddaa iyo garba galihii. Wuxu aad uga gaabsan jiray
inuu cuno bariiska iyo baastada magaalada oo ka jeclaa raashinkii asalka
ahaa ee ku soo barbaaray sida garawga, kimista, caanaha, hilibka, shuurada
iwm.
Xirsi Bahal wuxu geeriyooday 1986 bishii sebteember isagoo dhammaystay
waysadii salaadda duhur wuxuna bilaabay in uu tukado maalintii uu 15
jirsaday. Ilaahay ha siiyo naxariistii janno.
Tixraac:
1. Taxane warbixinno ku saabsan cilmi dhegoodka Geeska Afrika
Qaybta afraad: Sheekh Maxamed Yuusuf Axmed - Afrikaani, 26 Abriil 2005
2. Musse X. Ismaaciil Galaal, The terminology and practice of Somali
Weather lore, Astronomy and Astrology.
Qoraaga ayaa daabacay, Muqdisho, Meey 1968. Top
TV-Ga Gaarka Ah Ee Boorame Oo Lagu Eedeeyey
Barnaamijyo Uu Baahiyey Oo La Xidhiidha
Maxkamadaha Islaamiga Ah Ee Muqdisho |
Boorama, September 3, 2006 (Haatuf) Laanta baadhista dembiyada ee gobolka
Awdal ayaa maanta u yeedhay shaqaale ka tirsan telefishan gaar ah oo
Boorama ku yaal kaddib markii sida la sheegay uu TV-gaasi baahiyey
barnaamijyo la xidhiidha waraysiyo lala yeeshay mid ka mid ah
hoggaamiyayaasha maxkamadaha shareecada ee muqdisho.laba ka mid ah
shaqaalaha TVgaasi OO saaka joogay xarunta CIDda ee Boorama ,ayaa sida la
sheegay wax laga eydiinayaa sababbaha kallifay in Sheekh Xasan Daahir
Aweys ,waraysiyo lala yeeshay ay si xidhiidha ah afartii habeen ugu
dambaysay uga baahinayeen fishankaasi,taasoo dadweynihii daawanayey ay
aragtiyo kala duwan ka ixinayeen barnaamijyadaasi oo ku sabsanaa waxay
diinta islaamka ka qabto arrimo badan oo la weydiinayey sheekh Xasan Aweys
,arrimahaasoo qaarkood la xidhiidheen xuquuqda enka ,dimuqraadiyadda yo
rrimo kaleba. Sida wararku sheegeyaana xukuumadda Gobolka ayaa dareen iyo
tuhun ka dareentay arnaamijyadaasi waxay xambaarsanaayeen iyo ujeedada
wakhtigan looga baahinayo TV-yada Somaliland, gaar ahaanna gobolka Awdal.
Ilaa imika taliska baadhista dembiyadu kama hadal waxay ka yeeli doonaan
shaqaalahaasi iyo madaxda kale ee TVga Boorama. Teelefishankan Boorama oo
ay iska leeyihiin shakhsiyaad reer Boorama ah ayaa muddo badan ka
shaqaynayey Boorama balse daweynaha reer Boorama qaarkood anay laba socon
inuu jiro TV iyo in kale sabatoo ah barnaamijyada ka baxa telefishankaasi
oo u badan wacdi diini ah, xaflado ama munaasabado lagu qabto Jaamacadda
Cammuud iyo warar ay kasoo xigtaan kanaalada satelayteka ,gaar ahaan al
Jasiira,isla markaana an wax tixgelin ah ah siinin adeegyada dadweynaha
iyo hawlaha maamulka dawladda. Top
|