Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1236 Oct.17, 2006

“Maxkamadaha Muqdisho Ha Ogaadeen Inaanu CulimoIyo Shicibba Ka Midaysannahay Jiritaankayaga Somaliland”
Badhasaabka Togdheer – Shir-Jaraa’id

“Cidii Talada Dalka Hunguri Ka Hayo Waa Inay Habka Axsaabta Siyaasiga Ah Ee Aynu Qaadanay Ku Soo Tartantaa”
Wasiirka Beeraha Oo Ka Hadlayay Munaasibad Lagu Xusayay Maalinta Cuntada Aduunka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

FARXADII GUUL-DARADA

Warbaahinta Somaliland Oo Gor-Gortan Ka Gashay
Qorshe La Doonay Inay Gobol Ka Mid Ah Somalia Kaga Qayb-Galaan Aqoon-Isweydaarsi Shalay Ka
Furmay Hargeysa

MA QALLOOCSHE

“Waxa Naga Go’an Inaanu Ka Qayb-Galno Dedaalka Lagu Yareynayo Saboolnimada”
BAAQ – Ururada Dhallinyarada ee YMD iyo ORSOD

Wafdigii Somaliland Ee Socdaalka Ku Joogay Addis Ababa Oo Kulamo Kala Duwan La Yeeshay Gudoomiyaha AU-da Iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

Shaqaale Masaari Ah Oo Lagu Qaybtay Markab Kalluumaysi Oo Xabsiga Boorama Loo Gudbiyay

ODHAAHDA AKHRISTAHA: “Waxaan Iska Casiley
Shaqadii Aan Ka Hayey Shabakadda Somaliland.Org”


“Maxkamadaha Muqdisho Ha Ogaadeen Inaanu Culimo
Iyo Shicibba Ka Midaysannahay Jiritaankayaga Somaliland”
Badhasaabka Togdheer – Shir-Jaraa’id

Burco, October 17, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere ayaa shalay xafiiskiisa shir-jaraa’id oo uu ku qabtay waxa uu kaga hadlay kormeero uu ku soo maray degmooyinka gobolka Togdheer, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen kuwo uu ugu kuur-galayay xaaladda nabadgelyada guud iyo xaaladda nololeedba.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf, Badhasaabku wuxuu shirkiisaa jaraa’id ku sheegay inay roobabkii gu’gu si wanaagsan uga da’een dhammaan degmooyinka gobolka, isla markaana nabadgelyadu ay fiican tahay, wuxuuna intaa ku daray in sababta uu u kormeeray degmooyinka gobolku uu ka kooban yahay ay ahayd si xog-ogaal uu ugu noqdo xaaladahaas, isagoo sheegay inuu dadka degaamadaas kala hadllay arrimo dhowr ah oo ay ugu horeyso buu yidhi: “cajalada been-abuurka ah ee jidh-dilka la sheegay in lagu sameeyay ninka maxbuuska ah [Maxamed Sh. Ismaaciil],” isagoo intaas ku daray Badhasaabku oo yidhi “Waxaan u sheegay in wax allaala wax ka jiraa aanay jirin ee la doonayay uun in qarannimadeena uun wax lagu yeelo.”

Badhasaabku isagoo ka hadlaya hadalada dhawaanahan ka soo yeedhaya kooxaha Maxkamadaha Muqdisho, waxa uu sheegay inay yidhaahdaan had iyo goor cid baa noo joogta gobolada Somaliland, “balse waxaan leeyahay ha ogaadeen in iyagana cidi noogu dhex jirto, dadkayagana aanu annagu is ognahay culimo iyo shicibba, aananu ka midaysannahay nabadgelyada iyo jiritaankayagaba,” ayuu yidhi Cabdi Xuseen Dheere.
Waxa kale oo uu gudoomiyuhu dhaliilay hay’adaha miinooyinka ee ka shaqeeya degaamada gobolka Togdheer, waxaanu sheegay in miinooyinku ay halis ku hayaan dadka degaankaas oo aanay hay’aduhu sidii looga baahnaa wax uga qaban, dadka degaanadaasina ay aad uga cowdeen dhibaatada ay miinadu ku hayso.

Waxa kale oo uu Badhasaabku sheegay in dadkii dhammaan degaamadaas uu soo maray ay u cadeeyeen inay heegan u yihiin qaranimada iyo jiritaanka dalka Somaliland, cid kasta oo ku soo xad-gudubtana ay il gaar ah ku eegayaan.

Waxa kale oo uu gudoomiyuhu ka dayriyay xaaladda dadkii ay hore abaaruhu u aafeeyeen, kuwaas oo uu sheegay inay magaalooyinka waaweyn ku soo qulquleen cidina aanay waxba u qaban ee ay u baahan yihiin taakulo.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere wuxuu hadalkiisa ku soo geba-gabeeyay in dadka ku dhaqan gobolka Togdheer ay dhammaantood nabadgelyada iyo qaranimada Somaliland meel uga soo wada jeestaan.

Top


“Cidii Talada Dalka Hunguri Ka Hayo Waa Inay Habka
Axsaabta Siyaasiga Ah Ee Aynu Qaadanay Ku Soo Tartantaa”
Wasiirka Beeraha Oo Ka Hadlayay Munaasibad Lagu Xusayay Maalinta Cuntada Aduunka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa, October 17, 2006 (Haatuf) – Sanad Guurada 26-aad ee ka soo wareegtay maalinta Cuntada Aduunka oo u astaysan 16-ka October ayaa shalay lagu xusay xaflado lagu kala qabtay Tuulada Abaarso iyo Hotel Italian Restaurant ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Beeraha Somaliland Aadan Axmed Dhooleyare iyo saraakiil ka kala socotay hay’adaha FAO, WFP iyo Masuuliyiin ka tirsan wasaarada Beeraha ayaa shalay subax booqasho ku tegay Beer Roobaad laga beeray Khudrad kala nooc ah oo ku taala Tuulada Abaarso ee galbeedka Hargeysa, beertaas oo uu iska leeyahay muwaadinka magaciisa la yidhaahdo Abiib Axmed Faarax, taas oo ay aad ula yaabeen masuuliyiintii booqatay dedaalka dheeraadka ah ee uu muwaadinkaasi ka sameeyey beertiisa, meeshas oo aan lahayn biyo joogto ah.

Goobtaas oo ay ku sugnaayeen beerlayda nawaaxigaasi wxa ugu horeyn halkaa hadal ka jeediyey Abiib Axmed Faarax oo ahaa nin ka beerta leh, isaga oo ka waramay sida uu ku bilaabay hawshan iyo sida aanu dawlad iyo hay’ad midna aanu uga helin taageero iyo baahiyaha uu u baahan yahay ee ah sidii uu biyo ugu heli lahaa, suntan cayayaanka lagula dagaalamo iyo qalab uu ku shaqeeyo, isaga oo masuuliyiinta u sheegay inuu taageero u baahan yahay si wax soo saarka ay ku yaalaan geedo muhiim ahi, sida saytuun, liin, iwm.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay wasiirka wasaarada beeraha Aadan Dhoolayare, isaga oo halkaa ku guubaabiyey beeralayda sidii ay dedaal u muujin lahaayeen iyo sidii ay ugu dayan lahaayeen Abiib Axmed Faarax oo tusaale u ah beeralayda, una sheegay in wixii karankayo ah aanu wax idinkala qaban doono. Waxa halkaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka kala socotay hay’adahaasi oo halkaas ka dhegaysta cabashooyinkii ay halkaa ku soo jeediyeen beeralaydu.

Sidoo kale, xaflad lagu xusayay 26 guurada ka soo wareegtay maalinta cuntada aduunka ee 16 October ayaa xalay lagu qabtay Hotel Italian Restourent ee magaalada Hargeysa, xafladan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada, maamulka dawlada hoose ee caasimada, mudanayaal ka tirsan golayaasha, saraakiil ka kala socotay hay’adaha FAO, WFP, madaxdhaqmeedyo iyo marti sharaf kale, ayaa waxa ugu halkaas khudbad ka soo jeediyey wasiirka wasaarada Beeraha Aadan Axmed Dhooleyare, waxaanu ka waramay ahmiyada balaadhan ee ay leedahay xuska munaasibada maalinta cuntada aduunka ee 16-ka October, isaga oo dhinaca kalena khudbadiisa ku soo qaaday xaaladaha siyaasadeed ee ka soo kordhay mandaqada, waxaana ka mid ahaa hadaladii wasiirka “Xafladan aynu ku xusayno 26 guurada ka soo wareegtay maalinta cuntada aduunka ee 16-ka October, 2006 waxa loogu magac daray maalgashiga beeruhu waa sugida amniga, nolosheena, waxaa u saldhig ah cuntada la’aanteedna nololi ma suurtoobayso, inagu waxaynu ku noolayn cuntadeena wadaniga ah, hadaynaan wax soo saarka cuntada wadaniga ah kordhin dhibaato ayaa inagu imanaysa, sidaas darteed waa inaynu wax soo saarka beeraha maalkeena iyo muruqeenaba u jihaynaa, waxa kaloon ummadda u soo jeedinayaa inay ka digtoonaato dabinada cadawgu u soo maleegayo iyo tabaha uu soo adeegsanayo cadawgaas oo aynu isku af iyo diinba nahay waa in laga baraarugsanaadaa, dawladeenu maaha mid qori caaradii ku qabsatay xukunka ee waa mid cod lagu doortay, sidaas darteedna codkii lagu doortay mid la mid ah xukunka kaga tegi karta, cidii talada dalka hunguri ka hayaa ama culimo ha noqdo ama mid kale, waa inay habka axsaabta siyaasiga ah ee aynu qaadanay ku soo tartantaa, waxaana loo baahan yahay inaynu qaranimadeena iyo madax banaanideena iyo nabadgelyadeena ilaashano oo aynu meel uga soo wada jeedsano, shicib iyo xukuumadba”.

Dhinaca kale, waxaa isaguna halkaas ka hadlay wasiirka horumarinta reer miyiga Fu’aad Aadan Cade, waxaanu ka waramay ahmiyada balaadhan ee ay noolaha cuntadu u leedahay, isaga oo dhinaca kalena halkaasi ka sheegay xaalufka lagu hayo dhirta qoyan oo uu sheegay in si axmaqnimo ah loo jarayo, waxaanu tilmaamay sida loogu baahan yahay in dhirta la kobciyo isla markaana laga feejignaado wixii waxyeelo ku ah.
Gebogabadii xafladaa ayuu wasiirka beeruhu halkaasi ku gudoonsiiyey koob iyo abaal marin laba kooxood oo ciyaar lagu xusayay munaasibadan iskaga horyuimid garoonka kubada cagta ee Guryo-samo. Waxa kaloo halkaasi maaweelo iyo majaajilo ku soo bandhigay kooxda fanaaniinta dareen oo ku soo bandhigay rawaayad magaceeda la yidhaahdo Degaan.
 

Top


FARXADII GUUL-DARADA

Waa buug cusub oo laga qorey kooxaha Maxaakiimta Xamar, fursadaha iyo jaanisyadii ay ka faa’iidaysteen xilligii ay koonfurta Somaliya qabsanayeen.

Waxa qaray buugga Sh. C/risaaq Yuusuf Aadan oo ah qoraa u dhashay Somaliya, isla markaana warbaahin TV iyo Joornaal ah ku lahaan jirey Muqdisho.
Qaybtii 2-aad

· Fursada 1-aad (Magacii ay ku dagaalamayeen Labada Kooxood)…..
Sidaas awgeed, qof kasta oo laga maqlo magacan ah la dagaalanka argagixisada waxa fudud in looga faa’iidaysto dad badanna la fahamsiiyo in kuwan sheeganaya la dagaalanka argagixisada u adeegayaan gaalada. Wuxuuna runtii noqday magacani mid ka mid ah ciladdihii guuldarada u keenay is-bahaysiga laga itaalka roonaaday.

Dhanka kale, maxkamaduhu waxay ku dagaallamayeen magaca midowga maxaakiimta islaamiga ah, waxay isticmaalayaan erayga jihaad, waxay sheeganayaan in dagaalku yahay kacdoon dadweyne oo lagu difaacayo diinta, dadka iyo dalka. Kacdoonkaas oo ay hoogaminayaan culumaa’udiinka Somaliyeed. Sheegashadan caammada loo qurxiyey waxay ahayd mid xaqiiqada ka fog, hase yeeshee u sahashay maxaakiimta inay dad badan ku soo jiitaan, kagana taageero bataan isbahaysigii ay la dagaalamayeen.

Waxa xaqiiqa ah haddii lagala doodi lahaa sheegashadan inay la kulmi lahaayeen guul darro deg-deg ah, waayo ciidankii dagaalamayey ma ahayn maxkamad iyo kacdoon shacab toona, qabiiloyin ka mid ah qabiilooyinka Somalida ayaa dagaalamayay, mana jirin wax culimo ah oo ku jirey dagaalka iska daa inay hogaaminayaane, difaac diinna haba sheegin, bilcaksi wuxuu ahaa khatartii ugu ba’nayd ee soo food saartay diinta islaamka iyo ehelkeedas, sida noogu cadaan doonta qoraalka.

Waxay ahay din aanay sheegan magacyadaas xeelada ah ee ay la baxaan magaca runta ah ee ay lahaayeen, magacaas oo ah midowga wahaabiyada, waxa xaqiiqa ah in markaas aanay heleen shacab ku taageera dagaalka ay galeen, waxaana hubaal ah in aanay haweesteen wax dagaal ah.

Sida la ogsoon yahay maxkamadaha lagu dagaal galay magacooda ma lahayn hub iyo ciidan wax lagu qabsan karo, balse waxa dagaalka waday qabiilooyin la dhagray, shirkadaha wahaabiyada, ganacsatada dagaalka, danley la siiyey balanqaadyo kala duwan, calooshood u shaqaystayaal iyo ciidankii al-itixaad wahaabiyada ee taagta darnaa.

· Fursada 2-aad (Ciidankii U Dagaalamayay Labada Kooxood):

Ciidanka isbahayigu waxya ku dagaalamayeen magaca la dagaalanka argagixisada, annagoo soo xusnay guuldarada magacani huwan yahay, taa oo macnaheedu yahay in aanay ku dagaalamayn hadaf diineed, siyaasadeed, beeleed iyo mid la mid ah. Inta badan ciidankan wuxuu ahaa maleeshiyo beeleedkii ciidanka u ahaa hogaamiyayaasha. Ciidankani xiisa badan uma qabin inay u dagaalamaan hogaamiyayaasha, waayo muddo 15 sanno ah ayay ku soo dhex jireen dagaaladan natiijo la’aanta ku dhamaaday, waliba magaca ay ku dagaalamayeen waxay ka jeclaayeen inay ku dagaalamaan magaca qabiilka.

Intaas waxa dheeraa ma jirin balanqaad loo sameeyey oo dhiiri-geliya, taas waxaa uga sii darraa in badan oo ka mid ah malayshiyadan waxa sameeyey dacaayadii wahaabiyada maxaakiimta, waxay dareensanaayeen inay la dagaallamayaan diinta islaamka oo ay gaalnimo u dagaalamayaan. Ma jirin ciidan kale oo u imanayay ama ay malaysanayeen. Intaas waxa dheeraa maadaama ciidanka qab-qable kastaa yihiin hal jufa waxa dagaalka ku dhimanayay ama ku dhaawacmayay wiilal aad isugu dhow xagga haybta, taas awgeed waxa xanuunka geerida laga dareemayay hal qoys. Taas waxa ka sii daraa waxya masleeshiyadu arkayeen isbahaysigooda oo aan isu soo gurmanayn marka uu midkood dagaalku qabsado. Dhamaan arimahani waxay safka hore kaga jireen raadka guul-daradii u soo hoyatay isbahaysigii la magac baxay la dagaalanka argagixisada.

Dhanka kale, ciidanka midowgu waxay ku dagaalamayeen magaca farsamada badan ee midowga maxaakiimta islaamiga ah. Ciidanka u dagaalamayay iyo hubkiisuba waxay ahaayeen hubkii iyo mallayshiyadii beelaha, waxay la mid ahaayeen ciidanka isbahaysiga ay la dagaalamayeen hadii laga reebo hub aan badnayn oo ay lahaayeen wahaabiyada al-itixaadku.
La soco………

Top


Warbaahinta Somaliland Oo Gor-Gortan Ka Gashay
Qorshe La Doonay Inay Gobol Ka Mid Ah Somalia
Kaga Qayb-Galaan Aqoon-Isweydaarsi Shalay Ka
Furmay Hargeysa

Hargeysa, October 17, 2006 (Haatuf) – Suxufiyiin ka tirsan Warbaahinta maxaliga ah ee Somaliland, ayaa maalintii shalay gorgortan ka galay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan doorka ay warbaahintu ka qaadan karto cidhib-tirka cudurka Dabaysha oo ay hay’adaha UNICEF iyo WHO shalay uga fureen hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa in ka badan 40 suxufi oo ka socda warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadasha ee Geeska Afrika, waxaanay suxufiyiintaasi ka warheleen in Somaliland loo qorsheeyay inay kaga qayb-qaataan gobolka ka mid ah Somalia, isla markaana saamiga laga siiyay warbaahinta Somaliland inay uga qayb-galaan aqoon-isweydaarsigan ka yar tahay saamiga laga siiyay qaybaha kale ee Somalia.

Sida ku cad shaxda loogu qaybiyay saamiga suxufiyiinta ka qayb-gelaysan aqoon-isweydaarsigan, waxay Somaliland u qoondeeyeen inay kaga qayb-gasho gobol ka mid ah dalkii la isku odhan jiray Somalia [Waqooyi-galbeed], isla markaana saamiga suxufiyiinta laga casuumay warbaahinta Somaliland uu yahay 9 xubnood, halka saamiga Somalia-da kale la siiyay uu yahay 29 suxufi oo kala qaybsan; Waqooyi-bari [Puntland] 9 xubnood, Koonfur [Baydhabo iyo Kismaayo] 6 xubnood iyo Gobolada Dhexe 14 xubnood.
Waxa kale, oo aqoon-isweydaarsigan lagu casuumay weriyeyaasha laanta Af-soomaaliga ee BBC-da uga soo warama magaalooyinka Hargeysa, Garoowe, Muqdisho, Baydhabo iyo Madaxa laantaas Yuusuf Garaad oo la-taliye ugu magacaaban mashruuca ka qayb-qaadashada warbaahinta ee la-dagaalanka cudurka dabaysha.

Hase yeeshee, qorshahaas waxa ka biyo-diiday, kuna gorgortamay suxufiyiinta warbaahinta Somaliland ee lagu casuumay aqoon-isweydaarsigan, kuwaas oo shuruud kaga dhigay in ay kaga qayb-galayaan keliya magaca Somaliland oo aanay kaga qayb-gali doonin gobol ka mid ah Somalia [waqooyi-galbeed] iyo inay helaan saami la mid ah ka ay heleen Somalia-da Koonfureed oo ah 29 xubnood, isla markaana lagu soo wada casuumo warbaahinta kale ee Somaliland ee ka maqan.

Go’aankaas ay suxufiyiinta Somaliland gaadheen ayaa sababay in hay’adaha soo qaban-qaabiyay aqoon-isweydaarsigan [UNICEF/WHO] ay wax ka bedelaan ku talo-galkoodii, waxaanay ogolaadaan inay ka soo qayb-galaan qaybihii kale ee warbaahinta ee aan markii lagu casuumin aqoon-isweydaarsigan.

Aqoon-isweydaarsigan shalay ka furmay magaalada Hargeysa bilowgii horeba waxa ka dhashay ismaan-dhaaf, kadib markii sida la sheegay uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed X. Daahir qoraal uu ku diidayo aqoon-isweydaarsigan inay ka soo qayb-galaan suxufiyiinta Somalia u qoray hay’adaha socdaalka Somaliland, taas oo keentay in suxufiyiintii ka timi Somalia dib looga celiyo madaarka Hargeysa, iyadoo aanay sidan wax ogolaansho dal-ku-gal ah, hase yeeshee mar kale ayaa dib loo soo celiyay, taas oo lagu macneeyay in hay’adahaas iyo xukuumaddu isku af-garteen in loo ogolaado inay dalka soo galaan kana qayb-qaataan aqoon-isweydaarsigan.

Furitaankii aqoon-isweydaarsigan shalay waxa ka qayb-galay wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, madaxda hay’adaha UNICEF iyo WHO ee xafiisyadooda Hargeysa iyo saraakiil kale oo ka socday wasaaradda Caafimaadka iyo labadaas hay’adood.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo ka qayb galayaasha hadday ka yimaadeen dalka Dibadiisa iyo gudihiisaba, waxaanu ka waramay khatarta uu leeyahay cudurka dabayshu iyo sida loogu baahan yahay in warbaahintu ay uga qaataan door waafi ah la dagaalanka cudurkaas, iyaga oo dadka gaadhsiinaya halista uu u leeyahay, isla markaana ku dhiiri geliyaan in ay waalidku ubadkooda ka tallaalaan dabaysha oo ah mid aan dawo lahayn, balse laga hortagi karo.

 

Top


MA QALLOOCSHE

A. A. Garas

Halkani waa Maqalloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan maalka iyo ilaaq dhuubka, akhyaartayada indhaha buuranow ku soo dhawow warkii oo kambadhuudha, waakan wariye Like Niyuus.

Isaga oo fadhiya:
Shirgudoonka Golihii la odhan jirey Mudane dalmooge ayaa soo dhoweeyey kaarkadii madaxyuubka ee uu ku baaqayay in laysugu yimaado talo-qaran oo gole xin ka saarid ah. sida wararku sheegayaan shirgudoomiyahan oo ah kii ugu dambeeyey saddexdii maqaaxidda lagu soo rakibay, wuxuu guddi gole u naqeeyey koox uu madax u yahay mudanihii xaashi ee miisaaniyadii muruqu ku galay guddida kale ka qabtay, iyadoo baaqan iyo ogolaanshihiisuba ahaa wax loo baahnaa si loo bogsiiyo mshaqadii iyo shilkii gole gole ku dhufadka ahaa. Waxaase aan la hubin inay ku qanci doonaan labadii shirgudoon ee kale, kuwaas oo la sheegayo in hawlo gacan maris ka mid yahay ay dalka dibadiisa ugu maqan yihiin, hadiise kii joogayba go’aamiyey haba iska maqnaadeen hadii waxay keenaanba baaqan madaxyuubku uu dhowaan soo saaray waxaa ku ladhnaa mid kale oo uu xisbiyada mucaaradka ah ka baryay inay talo qaran isugu yimaadaan xaalad awgeed, baaqaas kale laftiisa ayaa la soo sheegay in reer UCID ay ogolaadeen, laakiin kuwii Kulmiye la odhan jirey ay diidnay iyo yeelnay midna odhan kari waayeen. Markaan isu geeyey soo dhoweynta UCID iyo ogolaanshahan shirgudoonkan oo ahaa nin reer UCID ahaa waxaaban is-idhi malaha la kala reeb labadii isla waashay.

Hadaan maleeyo waxyaalahan guddidani bogsiin doonto waxaa ka mid ah finkii ka dhex baxay golaha wakiilada iyo guurtida iyo xeerarkii isku shiidka galay, iyada oo laga yaabo in alleba garansiiyo maahmaahdii ahayd ‘Tagto looma arimiyee, timaadaa loo arimiyaa’.
Hadaan ka garnaqo qodobada ay labada gole isla seegan yihiin waxaa ugu waaweyn laba amuurood:
1. Muddo kordhinta guurtida
2. Xeerka doorashada golaha guurtida.
Ta hore hadaynu ka garnaqno heshiis marka la doonayo muddo kordhinta guurtidu waa saddex nabar midkood:
· In wakhtiga la kordhinayo la yareeyo oo afar wax ka yar laga dhigo
· In waxba kama jiraan laga soo qaado wakhtigii ay guurtidu kordhisay
· Iyo in sideeda loo daayo.

Ta hore wakhti yar in la kordhiyo waxa qadhaadheeyey qodob dastuuriya oo sheegaya in guurtida iyo wakiiladu sanad kale dambeynayaan hadiiba laba sanno la kordhiyo, waxay ku dhacaysaa meel dhexe, golaha xiligaas la doortaana markuu shan sano noqdo wuxu dhaafayaa doorashada wakiilada, markaa waxa la kala dooranayaa in afarteedaa lagu daayo iyo in laba diidoo oo imikaba laga tashado.

Hadaynu labadaas sii kala qaadno oo aynu soo qaadano in imikaba la kala diro, waxa diidaysa laba arrimood. Waa ta hore ee dastuurku wuxu sheegayaa inta gole cusub laga soo dooranayo waxa xilka sii h aynaya kaa hore.

Ta kale ee inoo qadhaadhaynaysaana waxa weeye ma jirto xeer laysla gartay oo lagu soo dooranayo golaha guurtida. Ta ay isugu shubanaysaa waxay noqonaysaa in la yidhaa afartaasna sidaas ku qaata, wax kalena ha sugina.

Amuurta labaad ee qilaafku ka imanayaa waxay ahayd xeerbaaskii doorashada guurtida, taa lafteeda haday miyir-qab kaga talinayno, xeer in la helo waa laysla ogolyahay, laakiin waxa laysla seegan yahay oo aan dadkuba isku raacsanayn guurtiyey horta xageebaad ka imanaysaa, ma xisbiyadaa, ma beelahaa, mise gobolada. Ta hore ee ah inay xisbiyada ka timaado oo ah siday golaha wakiiladu qabaan, anaa diiday, waayo hadii la rabo laba gole oo xisbiyo ka imanaya lanana dooranayo maxaaba inna arbushey ee laba goleba looga baahan yahay, mid kaliyaba maa laga dhigo, gole kaliyana dal baa diiday oo dalalkii kale ee aan guurtida lahayni cago kuma taagna. Jabuuti baa ugu yar oo waxaan maqlay inay gole guurti samaynayso, markaa guurtida xisbiyo ka imanaysa, ninak xeerku qoray iyo ka ansixiyeyba talo dambe ha ka sugin. Gobol ha ka timaado hadaad odhan lahayd, gobol iyo degmo iyo xisbiba wakiiladda ayaa ka soo baxaya, anigu waxaan ku talin lahaa guurtidu inay beelaha ka timaado, waayo beelaha ayaa ah waxaynu u qaybsanno, haddii aynaan ka soo xulin siyaalaha dadkeenu u qaybsano, waxaynu saxeexnay sidaynaan wax u wada qabsan karin ama burbur dhow, waayo xisbiyada cadawgaaga ayaaba iibsan kara, laakiin beesha maya, waliba aan tilmaam sida loo soo xulayo.

Marka ay xilliga ay dooran yihiin u hadhsan tahay lixdan cisho waa in madaxweynuhu diyaariyo sagaal xubnood oo ka soo kala jeeda sagaalka dhigood ee aynu u qoryanno. Waa inuu u gudbiyo fadhi wada-jir ah oo labada aqal ku ansixinayaan sagaalkaa xubnood oo noqon doona kuwa kala noqonaya golaha dambe ee guurtida noqon doona, sagaalkaas xubnood waxay dhexdooda ka dooran doonaan shirgudoomiyo, sodon cisho markay ka hadhayna sagaalkoodu waxay u kala bixi beelahoodii oo mid waliba wuxuu soo dhamayn liiska beeshooda ka gelaysa guurtida, maalinta ugu dambeysa waxaa ku dhowaaqi doona, gudoomiyaha guddida komishanka isaga oo la tashaday sagaalkii qof ee diyaar-garawga oon iyagu liiska lagu dhawaaqayo ku jirin.

Xubinta guurtida ee geeriyoota ama tagta, laguma bedelan karo dhaxal qoys, laakiin waxaa lagu bedelan karaa dhaxal qabiil ama hayb dhexal, shuruudaha qofka guurti noqonayaa waa siduu ahaan jirey, waxaan ku dari lahaa in shirgudoonku noqon nin dibada ka yimi ama degayba, waxa kaloo aan raacin lahaa, shirgudoonka wakiillada in uu noqdo qof golihii hore ku jirey ama sharciyaqaan ka soo shaqeeyey hay’adaha garsoorka, dalkana labadii sanno ee ugu dambeeyey aan ka bixin.

Koox joornaal la callow damacsanayd ayaa xaashiyo dab xuluuliyey, waxaanay xaashiyahaas ku samaysay ee karsadeen derbi ku yaal magaalada Burco. Kooxdan oo la weydiiyey waxay xaashida u shidayaan ayaa waxay sheegeen in warqadani warbeen ah Burco iyo maxaakiimta muslinka ka sheegtay. Kooxdan oo culimo yar-yar la baxday ayaa waxay reer Burco isaga dhigayeen niman Burco been ka gubaya, balse waxay reer Burco sheegeen inay yihiin kurey lagu shubay Kaadhkii Wallaweynta iyo Kacdoonkii.

Xaashiyahan ay shidayeen oo ahaa kuwo ay soo saartay wargeyska Haatuf in waraaqda ay qornaayeen warar sir ah oo ka sheekaynaya hunguriga ay wallaweyntu Shankaroonta ku doonayso iyo daldaloolada ay ka Fagan lahaayeen, meelahaas oo ay ka mid ahayd in dad reer Shankaroon ah Shan-shan lagu shubto si ay burburkooda ugu jihaadaan. Kooxdan oo kurey gadhle u badnayd waxa loo malaynayaa inay bayrka lahaayeen barnaamij iyaga u gaar ahaa, kaas oo joornaalku kaga joogsaday, inkasta oo aan iyaga wax war ah lagu dhufanin. Waxa laga yaabaa inay u damqadeen kuwa lala dhacayo wadaadada wallaweyn ee doonaya inay Shankaroonta xaaraan ku legdadaan.

Si kasta ha ahaatee dabkaas oon wax aan warar ahayni ku dhiman waxaa ka mid ahaa akhbaarta ay ololiyeen shirqoollada maxaakiimta Muqdisho Somaliland ka fulinayaan iyo diinta islaamka ah oo Ramadaanta dadka sooman loogu talo-galay, wallow wararkaas Burco ka dheregsan tahay hadana kooxdu waxay jeclayd in aan asnaabta ay caabudayaan laga caayin maxaakiimta oo reer Hargeysa u yaqaanaan qolyahan dooxa ku kariya xaaraanta. Bahda Haatuf oo arintaa ka hadashay ayaa yidhi nin waxaanu ahayn ummadda u sheeganayaa isu-naallee dad reer Burco ahina waxay yidhaahdeen shiid waanu u aanownaa, laakiin waraaqo gubis uma aanowno. Dad kale ayaa iyaguna arinta ku tilmaamay inay tallaabadani ka mid tahay sadex iyo tobankii qodob ee Maxaakiimtu ku xakamaynaysay warbaahinta, kuwaas oo idaacadna lagu qabsaday joornaalana lagu gubayo. Waxaase la yaab cusub ah culimo ciyaalo suuqeynaysa iyo xaashi la gubo dad janno ku doonaya, iyadas oo cadaan loo ogaaday afkaarta maxaakiimta Muqdisho inay ka mid tahay Xamarna nabad ka dhiga Hargeysa iyo Burcana colaad ka rida oo nabadda ka qaata ayaan waxaan xusuustay Abwaan Hadraawi iyo Maansadii goljano baydkeedii ahaa;

Wax la yidhi guyaal hore
Bahal geed is-marisaa
Maqlay gobol Islaamoo
Wadaad gaasa baxay raba
Gadh intuu samaystuu
Kutub garabka soo sudhay
Soo gaadhyey beeshii
Hadba dadabta loo goo
Hadba goolal loo loog
Badhi iyo leg loo gee
Gallad loogu roonaa
Hoosna gaadhku kala socoy
Gahan gaha abaaraha
Sida weerka guuree
Hadba reer ku soo gaas
Hadba galab carraabaha
Masallaha gabboodkiyo
Hoos galbeedka soo dhigey
Gelin qudha maqnaan waa
Guryihii ku fara badey
Galgal iyo xasarad keen
Gacan dhaafna lagu arag
Gungunuuska beenta ah
Ku galgaley Quraankii
Guudaankii dhayi waa
Goosan lumay bariin waa
Lagu barey gaddiisiyo
Inaan Geeddi Baabow
Naf gunaanadkeediyo
Garashada ku dheerayn
Misna gogosha loo badi
Isna laba gar-daaqii
Hadba taako sii gudub
Ganacsiga ku sii durug
Guul-darraa ka salaglee
Galab buu ka kacay meel
Gegi laysu soo baxay
Dadkii joogey goobtaas
Kadin geela weydii
Warka Geedi Baabbow
Gujo iyo faq hoosiyo
Isha laysku gaadhsii
Waa dad soo gubtoo jabay
Dhegahay gufaysteen
Sii garooc hankiisii
Gu'rin qaalinuu yidhi
Yaa godkiisa hoosiyo
Geysanaaya aakhiro?
Shirkii ruux garaaboo
Gacan taaga laga waa
Iyadana ka sii gudub
Kuye gacallayaalow
Boqol shilin ha lay guro
Goroddaa la wada lulay
Ku go' baana lagu yidhi.
Gonduhuu u sii degey
Kuye geed is-mariskii
Gini lagaca yaa hura?
Laga gaabsey hadalkii
Wuxuu yidhi galkiisiyo
Yaa kitaabka naga gada?
Gaw baa lawada yidhi
Go’a boodhka laga tumey
La bannee gawaankii
Dadku galab carraabaha
Badhba gees u siigee
Raabe raabe loo guran
Golihii ku noqoy keli
Goobtaas la kala dhimey
Isna Geeddi Baallow
Galalkiyo khamiiskiyo
Garan gari kitaabkii
Ged kaluu u diga rogey
Miciyii gahaydhiyo
Daba goojinaysiyo
Gawsihii u sheellaa
Gibishii u duubnayd
Gashey saamihiisii
Gaaleemadii tuur
Gafi waa runtiisii
Dadku gacan macaannaa
Gobsanaa furfuranaa
Gacaltooyo badanaa
Gaarriyow shabeelkaas
Gabbal iyo galaal iyo
Maxaa gaasho loo qalay
Maxaa goobo loo shiray
Maxaa guulo loo qoray
Taariikhda guunka ah
Maxaa baalal loo gubey
Immisaa garaaddiyo
Billad gaara lagu tolay
Immisaa g'sharafliyo
Shaal guduudan lagu xidhay

Top


“Waxa Naga Go’an Inaanu Ka Qayb-Galno Dedaalka
Lagu Yareynayo Saboolnimada”
BAAQ – Ururada Dhallinyarada ee YMD iyo ORSOD

Bilanahan ugu danbeeyey oo dhan waxaa ka socday aduunweynaha ololayaal loogu talo galay in dalalka deeqaha bixiyaa ay oofiyaan balamadii ay u qaadeen dalalka soo koraaya ee ahaa Higsiyada Horumarinta ee Kun Sanakda (Millennium Development Goals). Hadaba, waxaa shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa istaag qayb ka ah olalayaashan dhanka ka ah la dagaalanka saboolnimada (Stand Up Against Poverty). Istaagaas waxa uu ka dhacay xarunta Xafiiska Ururka Dhalinyarada ee ORSOD, waxaana soo wada qaban qaabiyey Ururada ORSOD iyo YMD, waxaana ka qayb galay istaagaa dhalinyaro wiilal iyo hablaba isugu jira oo tiradoodu dhanmeyd 25.

Istaagaa kadib iyo xidhashada duubka cad (the white band) waxay dhalinyaradu soo saareen baqqan hoos ku xusan:-
- Haddaanu nahay Dhalinyarrada reer Somaliland waxaa naga go’an in aanu ka qayb qaadano isku-dayada iyo dedaalada loogu jiro sidii loo yareyn lahaa Saboolnimadda.
- Waxaanu Xasuusinaynaa Shacbi-weynaha reer Somaliland in ay kala qayb galaan Shucuubta kale ee Dunnida hirgalinta Hiigsiyadda Horumarita ee Kun Sannadka ama (Millennium Development Goals).
- Waxaanu ka codsanaynaa Madaxda Somaliland, Hay’adaha Qaramada Middoobey iyo Kuwa Dawligga ahba inay fuliyaan balan-qaadka Hiigsiyada Horumarinta ee Kun Sannadka ama (Millennium Development Goals).

Ugu dambeyn waxaa Dhamaan inagu waajiba in aynu u hawl galno dar-dar galinta dedaalada looga gol leeyahay in faqriga wax lagaga qabto si looga baxo tabaaladda, silica iyo saxariirka haysta dadyow fara badan oo faqriggu saameeyey.
 

Top


Wafdigii Somaliland Ee Socdaalka Ku Joogay Addis Ababa
Oo Kulamo Kala Duwan La Yeeshay Gudoomiyaha AU-da Iyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

Addis Ababa, October 17, 2006 (Haatuf) – Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo socdaal hawleed ku jooga magaalo-madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa maalintii shalay kulamo kala duwan la yeeshay Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika Prof. Alpha Oumar Konare iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Mr. Seyoum Mesfin, waxaanay weftigu masuuliyiinta ay la kulmeen kala hadleen xaaladda Somaliland, iyo guud ahaan xaaladda nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland, Cali Cilmi Geelle oo ka mid ah weftiga, waxay weftiga Somaliland u gudbiyeen Prof. Alpho Konare dhambaal ay uga sideen Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana waxay weftiga Somaliland ka codsadeen gudoomiyaha Midowga Afrika in Somaliland gacan laga siiyo sidii ay ictiraaf buuxa oo degdeg ah u heli lahayd, dhaqaalaheedana loo kobcin lahaa, isla markaana gacan looga siin lahaa sidii ay Somaliland mucaawimo toos ah uga heli lahayd beesha Caalamka.

War-saxaaafadeedka wasiir ku-xigeenka Warfaafintu ka soo saaray caasimadda Itoobiya, waxa uu qornaa isagoo dhammaystiran sidan:

“Weftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa kula kulmay maanta Xarunta AU-da ee Magaalada Addis Ababa Guddoomiyaha Midawga Africa Prof. Alpha Oumar Konare.
Kullaankaasi Wasiirka iyo weftigiisu la yeesheen Guddoomiyaha Ururka Africa (AU) ugu horeynba waxay halkaa ugu gudbiyeen dhambaal ay uga sideen Walaalkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, kadib waxay Weftigu uga xog warameen xaaladda guud ee Gobolka, gaar ahaan Somaliland dhinacyada Siyaasadda, Horumarka, Dhaqaalaha iyo Nabadgelyada iyada oo si mug lehna Wasiirka iyo Weftgiiisu uga warameen heerka dhismaha Dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

Waxa labada dhinac si weyn isula qaadaa dhigeen xaaladaha Guud ee Gobolka Geeska Africa, khaasatan ta Nabadgelyada, iyadoo wakhtigan xaadirka ah ay ka aloosan tahay Xaalad Cusub oo baaxaa degaysa, oo saameyn wayn ku yeelan karta, Somaliland iyo Nabadgelyada Guud ee Gobolka. Waxa weftiga Somaliland ka codsadeen Guddoomiyaha Ururka Midawga Africa in gacan laga siiyo Somaliland sidii ictiraaf buuxa oo deg deg ah ay u heli lahayd, dhaqaalaheeda loo kobcin lahaa, gacanna looga siin lahaa mucaawino toos ah sidii Somaliland ay uga heli lahayd beesha Caalamka.

Dood dheer iyo fallanqeyn ay ka muuqatay dareen is faham kadib, waxa uu ballan qaaday guddoomiyuhu in uu gaadhsiin doono Beesha Caalamka codsiyada Somaliland, Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay inuu arrintaa ictiraaf raadinta wax ka qaban doono, Somaliland-na ay mutaystay isaguna uu ka hawli gali doono geedi socodkeeda.

Guddoomiyaha AU-da waxa shirka ku weheliyey, ku Xigeenkiisa Mr. Partick Mazamhaka iyo Guddoomiyaha Peace and Security Council-ka iyo saraakiil kale,
Waxa isla maanta weftigii uu hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeddu ee JSL, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale la kulmeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda ee Ethiopia, Mudane, Seyoum Mesfin iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda Ato, Tekeda Alemu iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Arrimaha Debeda, halkaasi oo labada dhinac si weyn isaga waraysteen xaaladda ay ku sugan yihiin labada dal, iyo xaaladda guud ee Gobolka guud ahaan, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay xidhiidhka labada dal sii xoojintiisa, dhinacyada amniga dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimo badan oo khuseeya labada Dal,
Waxa la isla qaatay sii adkeynta Nabadgelyada Somaliland iyo joogteynta xasiloonida Gobolka Guud ahaan. Kullankaasi wuxuu ku dhammaaday is afgarad
Isla shalay waxa booqasho sharaf ku soo booqday Wasiirka iyo Weftigiisa, Amb. Franklin Esibilia oo ah Safiirka Dalka Kenya u fadhiya Addis Ababa, Kenya oo hadda ah Shir-guddoonka Guddoomiya Ururka Goboleedka IGAD.”

 


Shaqaale Masaari Ah Oo Lagu Qaybtay Markab
Kalluumaysi Oo Xabsiga Boorama Loo Gudbiyay

“Waxa jira shirkado warqado foorjari ah ku kalluumaysta, shirkadda HOT FISHING-na waxa maamula dad aan u dhalan Somaliland” Sarkaal ka tirsan Almis Fishing

Boorama, October 17, 2006 (Haatuf) – Hawlgal ciidanka amniga, kuwa qaranka iyo kuwa ilaalada xeebaha Galbeedka Somaliland labadii maalmood ee u dambaysayba ka wadeen xeebta galbeedka, ayaa lagu soo qabtay ugu yaraan hal markab oo la sheegay inuu ka mid yahay kuwa sida xun badda u xaalufiya iyo shaqaalihiisii, kuwaas oo haatan ku xidhan xabsiga dhexe ee Boorama.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, warkan oo Haatuf ka heshay maamulka dawladda ee gobolka iyo ciidanka amniga ayaa lagu sheegay in markabkan oo laga leeyahay dalka Masar, laga soo qabtay biyaha xeebta degmada Saylac kaddib markii looga shakiyey qaabka markabkaasi iyo kuwa kaleba ku soo galeen biyaha degaanka xeebta Galbeed ugana kalluumaystaan.

Laba ka amid ah shaqaalaha markabkaas, haatanna ku xidhan xabsiga dhexe ee Boorama ayaa la sheegeyaa in la horkeeni doono sharciga si loogu qaado dembiga loo haysto oo ah kalluumaysi sharci-darro ah.

Dhinaca kale shirkadda Almis Fishing ee iyadu muddaba ka kalluumaysta xeebaha Galbeedka Somaliland ayaa isla xalay war ka soo saartay waxa ka jira hadalhaynta warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland ee dhinaca kalluumaysiga xeebaha Galbeed.
Sarkaal sare oo ka tirsan shirkadda Almis, magaciisana la yidhaahdo Cabdi Maxamuud Muuse (CABDI QURAAB) ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Haatuf ku sheegay in dad aan u dhalan dalka Somaliland maraakiibtooda kalluumaysi soo geliyaan biyaha Somaliland iyagoo isticmaalaya warqado foorjari ah, waxaanu Cabdi Quraab hadalkiisii ku bilaabay: “Waxaan aad uga xunnahay, haddii aanu nahay shirkadda Almis Fishing, hadalhaynta beryahan dambe saxaafaddu hadalhayso kalluumaysiga xeebaha Galbeedk a Somaliland, iyadoo wararkaasi marmarka qaarkood aad mooddo in lagu xumaynayo ama lagu magac dilayo hoggaanka sare ee Somaliland gaar ahaanna madaxweynaha iyo shirkadaha kalluumaysiga dalka ee aanu ka midka nahay. Sideedaba wasaaradda Kalluumaysigu rukhsad ayey bixisaa,wayna u kala xadaysaa shirkadaha kalluumaysiga si looga ilaaliyo xaalufinta kalluunka. Dhinaca kale waxa dhacda in shirkaduhu ku xadgudbaan aagagga loo kala calaamadeeyey iyagoo xadgudubkaasina u adeegsanaya warqado foorjari ah, waxaanan eedda saareynaa shirkadda la yidhaahdo HOT FISHING oo dhawr jeer ku xadgudubtay biyaha xeebaha galbeedka, dhawr jeer oo horena loo ganaaxay oo loo ciqaabay xadgudubkeedaasi, iyadoo ay u dambaysay tan imika lagu soo qabqabtay shaqaalaheeda,mana fiicna in cid ka tirsan madaxda qaranka lagu eedeeyo xadgudubkaasi, waana daciifnimo in waxyaalahaas oo kale oo aan la ogeyn xogtooda cidi rumaysato. Ugu dambayntiina arrinta haatan socotana waxaan aaminsannahay inay ku lug leeyihiin dad aan u dhalan Somaliland oo reer Puntland ah, gaar ahaanna nin lagu magacaabo Faysal oo reer Gaalkacayo ah, sidaa darteedna maamulka gobolka Awdal iyo ciidamada ilaalada xeebaha iyo kuwa amniga guduhuba ka qaadeen tallaabadii ku habboonayd.”

Haddaba hadalkan ka soo yeedhay Cabdi Quraab oo ka tirsan shirkadda Almis ayaa waxa uu muujinayaa in Maamulka Puntland aanu marnaba ka hadhin gardarada uu ku hayo dalka Somaliland xagga badda iyo Berrigaba. Sida wararka la xidhiidha masaarida ku xidhan xabsiga Boorama sheegayaan, waxa jirta in shakhsiyaadka reer Puntland ee ku lugta leh markabkan kalluumaysiga, hore loogu qabtay xeebta Berbera balse la sii daayey, ay xidhiidha la yeesheen nin Reer Boorama ah oo madaxtooyada ka ag dhawdhaw, kaas oo nimanka Shirkaddan Hot Fishing u sheegay inaanay xeebaha Somaliland ka jirin ilaalo adag sidaa darteedna ay meel kasta ka kalluumaysan karaan, iyagoo adeegsanaya warqado foorjari ah oo hore loogu siiyey dhul ka baxsan xeebaha Lughaya iyo Saylac, balse aanay waxba ka ogeyn madaxweynaha iyo wasaaradda kalluumaysigu, kuwaas oo horeba maraakiibta shirkaddan amar ugu siiyey in dalka laga saaro gebi ahaanba.
Shirkaddan Almis oo iyadu muddo ka badan saddex sannadood ka kalluumaysnaysay degaanka Saylac – Lughaya, ayaa dhawr jeer ku celcelisay kana cabatay shirkado kale oo si sharci-darro ah uga kalluumaysta degaankaas, sidaa darteedna aanay xeebahaasi qaadi karin maraakiib laga soo wareejiyo xeebaha bariga Somaliland iyo Puntland maadaama iyagu bixiyaan cashuur ka mid ah dakhliga dalka kuna dhaqmaan sharciga kalluumaysiga dalka u yaalla.

Ugu dambayntiina dhaqdhaqaaqa ciidamada kala duwan ku gaalaa bixiyeen Biyaha xeebaha galbeeka Somaliland, ayaa waxay digniin u noqonaysaa doonyaha cadowga Somaliland ku soo daldalayo xeebaha dalka iyagoo u adeegsanaya shakhsiyaad reer Somaliland ah oo aan dan ka lahayn mustaqbalka khayraadka baddaha Somaliland.

Tan iyo markii shalay shaqaalaha Masaarida ah loo soo gudbiyey xabsiga Boorama ayaa dhinaca kale waxa socda gurmad xoog leh oo ka imanaya dhinaca Hargeysa, kuwaas oo la tuhunsan yahay in ujeedadoodu tahay sii deynta raggaasi horeba si dhib yar uga baxay xabsiga Berbera.
 

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: “Waxaan Iska Casiley
Shaqadii Aan Ka Hayey Shabakadda Somaliland.Org”

Mahad oo dhami waxay u sugnaatay Ilaahay subaxanahu watacalaye, Naxariis iyo nabadgelyo Korkiisa ha ahaato Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W).

Waxaan Muddo hal sanno iyo dheeraad ku beegaan aan hawl ka hayey shabakadda Somaliland.Org hawshaasi oo ahayd soo gelinta wararka , tafatirka faalooyinka iyo wararka, tafatirka war saxafadeedyada ka soo baxa Xukuumadda, Xisbiyada iyo Hay’adaha Maxaliga iyo kuwa caalamiga ah.

Muddadii aan hawshaasi ka hayey shabakadda Somaliland.Org waxaan kor usoo qaaday sumcadii shabakadda oo kastabtay akhristayaal aad u tiro badan iyadoo wararka aan soo geliyo badanka aan usoo tabin jiray si deg deg ah isla markaana ku dhisan daraasad iyo taxadar weyn.

Waxaan shabakadda Somaliland.Org ku xidhay dhammaanba wakaaladaha Wararka iyo weliba ilaha wararka iyo faalooyinka ee ka soo baxa Xukuumadda, Xisbiyada iyo weliba qaybaha bulshada Somaliland, waxaan xoogga saaray inaan isku qabto hawsha gelinta wararka, iyo odorosidda wararka iyo faalooyinka, Shabakadda Somaliland.Org waxaan runtii u huray wakhti, juhdi iyo maskax farabadan oo aan uga mahad celinaayo dhammaanba shacabkii reer Somaliland ee qurba jooga u badna ee sida joogtada ah ula socday hawlahii aan shabakadda ka hayey, aniga oo markasta maanka ku hayey baahida dhinaca wararka ee qurba jooga reer Somaliland ay qabaan.

Iyadoo mudadii sannadka iyo dheeraadka ahayd ee aan shabakadda hawlaheeda hayey ay soo booqdeen ugu yaraan 1 Malyuun iyo badh qof oo ahaa somalilanderskii u heelana helista xogaha iyo wararka dalkooda hooyo, taasi oo ka dhigaysa shabakadda ugu booqashada badan (Somaliland largest traffic website), aniga oo aan runtii ku faanayn waxay ii tahay sharaf weyn in qurba joog badan ay si hufan ula socon jireen wararka iyo faalooyinka aan shabakadda soo gelin jiray.

Waa Maxay Haddaba Sababta Aan Isku Casilay
Nin Daawe La Leeyahay
Danbi Uu Badh Leeyahay
Isagay U Darantoo
Daaranta Miridhka leh
Inuu daaro ma ogola

Labadii todobaad ee ugu danbeeyey waxaa ashkhaasta shabakadaasi mulkiyadeeda lihi ay bilaabeen in wararkii aan sida tooska ah uso gelinaayey ay ka saareen sabab la’aan, waxaa keliya ee ay u adeegsanayaan saaristaasina ay noqotay iyagoo ka eegaayey tiirar qabyaaladeed oo ay adeegsadeen iyo difaaca qaranimada Somaliland oo ah muqadas oo aanu isku feker ka noqon waynay tusaale ahaan:
Todobaadkii ugu danbeeyey waxay ka saareen shabakadda Somaliland.Org Wararkani oo aan soo tabiyey
- Nuqulo Ka Mid Ah Wargeyska Haatuf Oo Lagu Gubay Magaalada Burco ( Warkani oo lagu daabacay dhammaanba wargeysyada iyo saxaafadda internetka lagana baahiyey idaacadaha dunida sida laanta afka soomaaliga ee B.B.C-da, Radio Hargeysa Labada Telefishan ee Madaxa Bannaan iyo Telefishanka Qarranka)
- Gabadh Reer Hargeysa Ah Oo Maxkamad Ku Taalla Magaalada Boosaaso Ay Shan sannadood oo Xadhig Aargudasha Ah ku xukuntay (Warkani oo laga soo xigtay oo lagu daabacay shabakadaha internetka somaliland oo dhan isla markaana lagu daabacay dhammaanba wergeysyada madaxa bannaan ee Weraysi Aan ka qaaday
- Wareysi aan ka soo qaaday Dr. Axmed Xuseen Ciise, Xoghayaha arrimaha dibadda Ee Xisbiga Kulmiye oo horana looga saaray qoraal abaal gud ah oo loo aqoonsaday Axmed Xuseen Ciise shakhsiyadda Sannadka isla markiibana wakhtigaa ay ka saareen.
Markii aan weydiiyey sababta ay uga saareen warka nuqulada Wergeyska Haatuf ee Lagu Gubay Burco Warkaasi waxay iigu soo jawaabeen Qoraalkani oo ay email ahaan iigu soo direen waana kani qoraalkaasi ay iigu soo jawaabeen oo dhamaystirani:
“Warka noocaas ahi wuxuu dhaawac wayn u gaysan kartaa Somaliland iyada oo cadowguna ka dhigan karo gabbood wararka noocaas ah haddii ay Somaliland.Org soo qorto.
Gubitaanka jariidadda Haatuf macnaheedu ma aha waxa la gubay calankii Somaliland. Waa khalad in laysla meel dhigo Haatuf iyo Somaliland. Haatufna waa jariidad madax bannaan oo afkaarteeda iyo fikirkeedana ay soo qoreen bani aadam inala mid ahi mana aha in la yidhaahdo "jariidadii Haatuf baa la gubay" waxay ka dhigan tahay kitaab quraan ah baa la gubay .

Ma aha been ee waa wax jira in Haatuf marar horeba soo qortay warar xaqiiqada ka fog oo aan ku koobnayn Burco ama gobolka Togdheer ee ka hadlayay meelo kale oo Somaliland gudaheeda ahba. Sidoodabana wararka aynu inagu iska qorno gudaheenu waxay keeni karaan muran iyo jahwareer iyo ficiltan waxana fiican in wararka mujtamaca Somaliland laga qorayo in layska hubsado. Jariidadda wararkeediiba waxay ka dhamaan waayeen Togdheer waxa jooga waddaado gacansaar la leh kooxaha Muqdisho iyaga oo indhaha ka qarsatay xaqaa'iqa dhabta ah ee jira sida caddaalad darada iyo maamulxumada ka jirta guud ahaan dalka gaar ahaana gobolada bari, waana hubaal iyada oo dadweynaha gobolada bari horeba uga cadhaysnaayeen duruufo badan oo aanay dawladdu waxba ka qaban oo caddaalad, garsoor iyo maamul xumo isugu jira haddana haddii ay arkaan waxa qudha ee Burco laga qorayaa inay tahay warar negative ah sida wadaadadan la sheegay loona dhigo in Burco ay joogaan maxaakiimta Musqdisho, way dhacayaan mudaharaadyo gadood ahi oo dadku ku diidan yihiin in magacooda lagu dilo.

Haatuf waa inaanay burcana aanay markasta u gaar yeelin dhibaato kasta waayo wararkeeda burco ay ka qortaa salka kuma hayaan xaqiiqada jirta isla markaana waxaa ka muuqata caadifadda adigaba kaa muuqata imika. Dadkuna dhinacooda waxay xaq u leeyihiin inay afkaartooda ku cabiraan bannaanbax salmi ah oo aan cidna lagu waxyeelayn laakiin aan lagu tilmaamin xag jir iyo kuwo ka soo horjeeda Qaranimada Somaliland.

Aniga oo reer Burco ahi (Habarjeclo) miyaanan ku odhan karin ma waxaad doonaysaa inaan adiga oo reer Hargeysa ah (Sacad Muuse) u daba fadhiisto wax kasta oo aan samaynayo si aanan uga cadhaysiinin!!!. “””
Warqaddani oo uu soo qoray isla markaana uu ku saxeexanyahay Mid ka mid ah Mulkiilayaasha shabakadda ahna Dhisaha (Webmaster) shabakadda oo la yidhaahdo Abdiraxiim (Xaajiga) isla markaana ay la wadaagaan labada mulkiile ee kale oo la kala yidhaahdo Baashe Cumar iyo Daahir Cabdi Jaamac.

Aniga Oo Ammaan, ixtiraam, iyo wanaag badan u haya dhammaanba qurbe joogii reer Somaliland ee shabakadaasi Somaliland.Org wararkayga kala socday.

Waxaan go’aan ku gaadhay inaan iska casilo hawshii aan shabakadaasi ka hayey maadama mulkiilayaasha shabakadaasi hawsha ay doonayaan tahay Hammigooda qabiileed fullinteeda oo aanan weligay hiyiga ku qaban.

Waxaan akhristayaashii iyo Somalilanderskii wararkayga iyo faalooyinkayga xiisaha u hayey aan ugu ballan qaadaya inaanan sidaasi kaga tagin ee aan weli u heelanahay hawshii aan u hayey, waxaana inoo ballan ah difaaca qaranimada dalkeena hooyo ee Somaliland, Somaliland-na qabiil maahe waa Qarran.
Somaliland Guul iyo Gobonimo
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
Hargeisa, Somaliland

Top