Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1244 Oct.26, 2006

Dawladda UK Oo Baarlamaanka Dhexdiisa Laga
Weydiiyay Mowqifkeeda Ku Aadan Madax-Banaanida
Iyo Aqoonsiga Somaliland

Qorshihii Dib-U-Dhiska Wershada Sibidhka Berbera Oo Ay Caqabad Ku Noqotay Burburintii Total Ee
Dhuumihii Shidaalka

“Waxaan Odhan Karaa Shirkadaha Jooga Gobolada
Bay Iyo Bakool 80% Waxay Ku Xidhan Yihiin Dahabshiil”
Agaasimaha Xafiiska Dahabshiil Ee Baydhabo – Wareysi

Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen Oo Cadeeyay in
Isaga Iyo Beeshiisuba Aanay Marnaba Ka Hor
Imanayn Wixii Ay Beelaha Somaliland Ku Heshiiyeen

Maraykanka Oo Kordhiyay Ciidamadiisa Ka
Jooga Geeska Africa Ee Jabuuti

Xasan Daahir Aweys Oo Sheegay In Aanay
Maxkamaduhu Weerari Doonin Magaalada Baydhabo

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hambalyo Iyo Taageero
Ku Waajahan Baaqii Siyaasadeed
Ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow)

Madaxweyne; Fallaadhi Gilgilasho Kaagama Go’do


Dawladda UK Oo Baarlamaanka Dhexdiisa Laga
Weydiiyay Mowqifkeeda Ku Aadan Madax-Banaanida
Iyo Aqoonsiga Somaliland

London, October 26, 2006 (Haatuf) – Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka UK oo magaciisa la yidhaahdo Mark Simmonds, kana tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Conservative, ayaa fadhigii dorraad ee baarlamaanka xukuumadda Britain wuxuu weydiiyay inay jawaab ka bixiso mawqifkeeda ku aadan madax banaanida iyo aqoonsiga Somaliland.
Mr. Ian McCartney oo ah wasiirka Ganacsiga iyo Maalgelinta oo isagoo ka wakiil ah xukuumadda Britain ka jawaabayay su’aashan, waxa uu baarlamaanka hortiisa ka sheegay in dawladiisu aanay Somaliland u aqoonsanayn dawlad madax banaan, balse ay ka warqabto waxyaabaha Somaliland u qabsoomay iyo rabitaanka shacbigeeda ee taageersan madax banaanida.

Jawaabtaas wasiirku waxay u dhignayd sidan: “Annagu Somaliland uma aqoonsanin dawlad madax banaan taas oo aanu la qabno beesha caalamka inteeda kale. Mawqifka dawladda UK ka taagan tahay arrintanina waa mid ka shidaal qaadanaya mawqifka Midowga Yurub (EU) iyo go’aamadii faraha badnaa ee hore uga soo baxay Golaha Ammaanka iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, kuwaas oo tilmaamayay midnimada Somalia. Hase yeeshee, dawladda UK, waxay ka warqabtaa mawqifka maamulka Somaliland ee arrintan, isla markaana war kuma seegana aragtida ay qabaan reer Somaliland ee ku waajahan madax banaanida. Waxaanu rajaynaynaa in Somaliland wakhti horeba ay dawladda ku-meel-gaadhka Federaalka ah ee Somalia kala xaajooto islana meel dhigaan sida uu noqonayo xidhiidhkooda mustaqbalku. Waxaan shaki nagaga jirin oo aanu ka warqabnaa waxyaabaha ay Somaliland soo qabsatay tobankii sannadood ee u dambeeyay, isla markaana waxaanu sii wadi doonaa taageerada horumarka iyo xasiloonida Somaliland ka jirta.”

Top


Qorshihii Dib-U-Dhiska Wershada Sibidhka Berbera
Oo Ay Caqabad Ku Noqotay Burburintii Total Ee
Dhuumihii Shidaalka

Hargeysa, October 26, 2006 (Haatuf) – Qorshihii xukuumadda Somaliland ay ku doonaysay in ay dib ugu dhisto wershada sibidhka ee berbera ayaa waxa uu u muuqdaa in uu yahay mid aan soconaynin wakhtigan, ka dib markii ay yimaadeen wefti ka socday Shirkada in la sheegay inay maal-gelisay wershada sibidhka ee cusub, taas oo ay ka soo baxday deraasad iyo qiimeyn ay sameeyeen in hanaanka wershada loo gaadhsiinayo shidaalka ay ku shaqaynayso uu yahay mid aan soconayn, ka dib markii ay dhuuntii shidaalka u soo qaadi jirtey wershadii sibidhka ee Berbera ay raacday dhuumihii Shanta ahaa ee ay burburisay shirkada Total sanadkii hore mar ay doonaysay inay dayactir ku samayso dhuumaha Maraakiibta shidaalka ka soo qaada, taas oo ay 5-tii dhuumood ku bedeshay dhuun kaliya oo aanay hada jirin dhuun u gaar ah Saliida Madaw ee ay ku shaqaynaysay wershadii hore sibidhku.

Weftigan la sheegay in ay ka socdaan shirkada maal-gelinaysa wershadii sibidhka ee Berbera ee magaceeda ee la yidhaahdo Sougueta Engineering ayaa ah tii uu Madaxweyne Rayaale, Safarkii uu dhowaan ku tegay dalka Jarmalka kula soo heshiiyey inay maal-gelin ku sameeyaan mashaariicda ah samaynta Wershadaha Sibidhka Berbera Gypsums-ka, Dhuxul-dhagaxda oo laga dhalinayo tamarta laydhka, mashaariicdaas oo sida la sheegay ay shirkaddani ku kharash-garayn doonto lacag gaadhaysa ilaa 300 Milayn oo dollar, ayaa weftigu intii uu ku jirey hawshan indho-indhaynta ayaa waxa carqalad ku noqotay markii ay arkeen dhuuntii u soo qaadaysay wershada sibidhka saliida in aanay jirin, ayaa waxay ku taliyeen in laga guuro qaabkii ay u shaqayn jirtay wershadii hore, lana sameeyo mid ku shaqaynaysa Awooda koronta oo laga dhalinayo dhuxul-dhagaxda, lagana soo qaadi doona dabkeeda Meesha la yidhaahdo Conqor o laga samayn doono wershada Dhuxul-dhagaxda ee dabka laga dhalinayo, taas oo u jirta masaafo dheer wershadii Sibidhka ee hore, isla markaana suurto-gal aanay ahayn in halkaas wershada sibidhka dab looga soo qaado.

Dhinaca kale, wasiirka wershadaha Somaliland mar uu socdaal ku tegay Berbera oo uu la hadlay Saxaafada ayaa waxa uu yidhi “Waxay dhisaysaa shirkadan ina maal-gelinaysaa wershad sibidh ah oo cusub, waxaana laga dhisayaa wershadan meel galbeedka ka xigta wershadii hore, waxaanay ku shaqaynaysaa tamarta laydhka oo looga soo qaadayo wershada dhuxul-dhagaxda ee tamarta laydhka laga dhalinayo oo laga samaynayo Tuulada Conqor oo ku taala dhulka bariga ah oo Berbera aad uga fog”.

Si kastaba ha ahaatee, arintani waxay muujinaysaa in uu hakad galay mashruucii dib-u-dhiska wershada sibidhka ee Berbera, taas oo ay sababtay burburintii Total ay Dhuumihii shidaalka Shanta ahaa burburisay, kuwaas oo ay ku jirtay dhuuntii saliida madaw u soo qaadi jirtay ee Mishiinada dabka dhaliya ee wershadu ku shaqayn jireen.

Top


“Waxaan Odhan Karaa Shirkadaha Jooga Gobolada
Bay Iyo Bakool 80% Waxay Ku Xidhan Yihiin Dahabshiil”
Agaasimaha Xafiiska Dahabshiil Ee Baydhabo – Wareysi

Baydhabo, October 26, 2006 (Haatuf) – Tan iyo intii ay soo degtay shirkada Dahabshiil magaalada Baydhabo waxaa muuqanaya horumar weyn oo ay ku tallaabsatay shirkaddu, waxaana ku xidhan inta badan bulshada magaalooyinka iyo gobolada Bay iyo Bakool.

Haddaba Weriyaha Haatuf ee Baydhabo, ayay u suurto gashay inuu wareysi la yeesho Agaasimaha Shirkadda Dahabshiil laanteeda gobolka Bay iyo Bakool, Sheekh Ibraahim Cali Cabdi, kaas oo uu wax ka weydiiyay arrimo badan, wareysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Maxay ahayd ujeedada loo aasaasay Xafiiska Dahabshiil ee Gobolada Bay iyo Bakool, goormayse ahayd ?
J: Xafiiskan Dahabshiil waxaa la aasaasay 1999 kadib markii dadkii duulanka ku haystay goboladan ee ahaa dawladdii Salbalaadh ee Caydiid hogaamin jiray laga saaray ayaa waxaa timi baahi loo qabo in dadwaynaha loo sameeyo adeeg ay ku helayaan ehaladooda joogta dibadda ee lacagaha u soo dira taasaana sababta uga weyn ay ahayd.

S: Imisa goobood ayaa Maamulkoodu hoos yimaadaa xafiiskan, muxuuse yahay adeegyada kale ee aad dadka u qabataan marka laga reebo xawaaladda?
J: Waxaa aan xukumaa ilaa Lix Xafiis oo ku kala yaala Gobolada Bay iyo Bakool. Ta kale shirkaddu hawlo farabadan bay Bulshada u haysaa waxaana ka mida Baanki Amaano ah oo qofku wakhtiga uu doono heli karo, waxaana isticmaala hay’adaha Samafalka, Ganacsatada, Dadweynaha. Waxaa kale oo aanu Dadweynaha u fududaynay hawlihii sarrifka iyadoo aanu u furnay Xafiiskii Sarifka Lacagaha Qalaad oo loogu bedelo Shillin Soomaali ama Lacagaha kale ee Qalaad noocii ay doonaan halkii uu Qofku aadi lahaa Suuqa.

S: Waa intee Macaamiisha xafiiskaagan Dahabshiil?
J: Runtii Dahabshiil waxaan odhan karaa Shirkadaha jooga Bay iyo Bakool 80% waxay ku xidhan yihiin Dahabshiil taasina waxa ay ku timi adeega aanu u qabano Dadweynaha iyo Aaminaadda lagu qabo Shirkadda waana wax lagu faani karo in aanu Goboladan Bay iyo Bakool hormood u nahay.

S: Mudadii Xafiiskani furnaa wax dhibaato ah oo aad la kulanteen ma jiraan xaga Nabadgelyada ama Lacago la lunsaday sida Xafiisyada Gobolada qaarkood ka dhacda?
J: Runtii way jirtaa in Dhibaatooyinkaas aad sheegtay ay meelaha qaarkood ka dhacaan, balse laga soo bilaabo wakhtiga aanu furnay Xafiiskan ilaa maanta ma jiraan wax dhibaato lacageed ah oo Xafiisyadayda goobaha hoos yimaada ka dhacday taasna waxaan odhan karaa waa mid aanu ku faani karno oo adeegii aanu ummadda u haynay iyo kii aanu Shirkadda u haynay in aanu u gudanay sidii loogu talo galay. Illaahayna uu nagu garab siiyey, taasna ka Xafiis ahaan waxaanu ku mudanay Amaan farabadan. Anagoo soo marnay Dhibaatooyin fara badan kuna soo shaqaynay daruufo adag oo ay dhacaysay mararka qaarkood, sidii dad aan noolayn oo aan joogin dalkoodii ama Dal Islaam ahba in aan ka dhex shaqayn waynay oo inta aanu Lacagihii Islaamka inta aanu jeebka ku qaadno suuqa ku siino ama meelo asturan, Xafiiskan aad arkayso ilaa waxaanu deganahay 1999 kii, dhawr jeer baanu ka qaxnay arrimo ammaandaro awgeed ah.

S: Runtii waxaad sheegtay in aad Xafiiska dhawr jeer ka qaxdeen sida la ogyahayna Baydhabo gacmo siyaasadeed oo kala aragti ah ayaa ku kala dambeeyay, maxaa kuugu cajiib badnaa oo aad ka sheegi kartaa?
J: Waxaa jirtay in Baydhabo Gacamo siyaasadeed oo kala aragti ah ay ku dhacday, Magaalada markii uu ka jiray Maamulkii RRAdu, waxaa ka jiray Amni aad u fara badan oo aan hore u soo marin laguna faani karayey, ma jirina cid cid ku xad gudubta oo qofka qof dila waa la dili jiray, ilaa dhawr iyo toban qof ayay Maxkamadii Baydhabo ka furnayd ay ku xukuntay Dil.
Bishii July 2002 ayay ahayd markii khilaafka siyaasadeed ka dhex qarxay Ururkii RRA iyo wixii ka dambeeyayba, Run ahaantii Dhibaatooyin way dhaceen oo adeegii aanu Bulshada u haynay waanu gudan kari waynay, Balse waxaan Illaahay uga mahadinayaa wax gaara oo Shirkad ahaan na saamaysay ma jirin marka laga reebo maalmihii dagaalka Magaalada ka jiray aanu Xafiisku shaqayn jirin oo la xidhi jiray, waxaana nasiib wanaag ah in aanay dhicin Jabhadii ishayey in si gaara aanu Xafiiska Dahabshiil hadaf ugu noqon.

S: Tan iyo intii Dawladdu soo degtay Baydhabo maxaa faa’iido ah ee ay dawladdu xageeda ay ku soo kordhisay hawlihii Xafiiska?
J: Runtii dawladda imaatinkeeda laba faa’iidaba waanu ka helnay. Mid waxaanu ka helnay mid Dhaqaale oo waxaa Magaalada soo galay ama soo dagay Dad farabadan oo ka kala yimid daafaha kala duwan ee Gobolada Dalka iyo Dibadiisaba oo ay qaarkood dawladda ka doonayaan shaqo iyo kuwo eheladooda u imanayey, waxaananu helnay Macaamiil farabadan. Dhinaca Amaanka waanu ka helay oo dadkii qoryaha iska sidan jiray way yaraadeen, waxaanu la kulmi jirnay Maalinkasta dad qori sita oo doonaya Shaxaad oo kugu odhanaya Reernimo ayaan kuu difaacaa, hadaanad waxaa iyo waxaa i-siinin Naftaadaad waayeysaa. Balse markii dawladdu ay timid arrimahaasi way dhamaadeen.

S: Ma jiraan wax dhaqaale ah oo dawladda loo soo mariyo Xafiiska maadaama aad kalsooni ka muujinayso?
J: Horta dawladdu intii ay Baydhabo soo degtay laba Barnaamij ayey dhaqaale ku heli jirtay, midi waa mid UNDP dawladda ku fangarayn jirtay Xildhibaanada oo ay ku siinaysay Gunooyin iyo Mashaariicda laga hergalinayo Gobolka. Barnaamijna waxa uu ahaa mid dawladda u gaara oo dhaqaalaha ay soo siiyaan Dawladuhu ee Samafalka ah, siiba Wadamada Carabta. Kan dawladda u gaarka ah oo lacagtu u iman jirtay tan iyo intii ay timi, waxaa siinayey Dahabshiil waxayna ku leeyihiin sanduuq-xisaabeed oo lacagahoodu ku soo dhacaan. Midka labaad ee UNDP, markii hore Shrikad kale ayaa siin jirtay, haatan se Dahabshiil bay u soo wareegeen, bishii July laga soo bilaabo ilaa maanta heshiis baanu la galnay UNDP si aanu Xildhibaanada u siino gunooyinkooda.

S: Marka laga hadlo xaga Hay’adaha Samafalka, dawladda ka hor ma jiraan wax macaamiil ah oo ay idinla lahaayeen?
J: Dawladda ka hor ma jirin wax hay’ad ah oo joogtay goboladan xaga Nabadgelyada awgeed, haddana waad aragtaa inta hay’adood ee ka hawlgala gobolkan, kuwaas oo Xafiiska Dahabshiil ku xidhan Xisaabaadna ku leh sida Hay’adaha UNDP, UNICEF, WHO, ILO iyo kuwo kale oo lacagta aanu siino waxay u baahdaan taasina waxay ku timi soo degitaanka Baydhabo Dawladdu oo degtay.

S: Muddada uu Xafiiskani furan yahay ma jiraan cid kale oo Xafiiska maamulkiisa kaaga soo horeysay, hadaaney jirin maxaad is leedahay waad ku kasbatay inaad Xafiiska sii joogtid?
J: Runtii Xafiiskani 7 sannadood ayuu furan yahay, muddadaas marba marxalad ayuu soo marayey mid bilowah, mid dhexe, mid dagaal iyo mid nabadgelyo ah, markaas waxaan odhan karaa waxaan ahay ninkii suura galiyey in xafiiskani sii jiro, in wax dhibaato ahi ka dhicin, in xafiisku noqdo xafiiska Xawaaladeed ee ugu horeeya ee Gobolkan ka jira, macaamiil badana ku soo xidhato, markaas qiimayntaas faraha badan bay Shirkaddu samaysay, waxaanay ogaatay in aan ahay nin hawshiisa gudanaya wax dhibaato ah oo lacago la lunsaday ahi aanay xagayga jirin ama mid lala baxsaday, taasna waxaan ku mutaysay amaan badan. Mar waxaa Baydhabo noogu yimid Maareeyaha Shirkada, waxaanu noo qoray Warqad amaan ah oo uu noogu amaanay sida aan hawshayada u gudanay, waxa aan rajaynayaa anagoo isku kalsoon inta Xafiiskani sii jiro in aanu anagu sii joogno.

S: Xafiiskiinan Dahabshiil ee Bay iyo Bakool miyaad madax banaan tihiin mise Xafiiska Mugdisho ayaad hoos tagtaan?
J: Xafiiskayagu waa mid madax banaan oo Mugdisho ma hoos tagno ee si toosa ayaanu Hargeysa nalooga xukumaa.

S: Xadhiidh caykee ah baa idinka dhexeeya Xafiiska Hargeysa?
J: Runtii waxaa naga dhaxeeya shaqo aad u fiican wixii ku soo kordha Gobolka ayaanu u sheegnaa, Telefoono ayaanu isku dirnaa si wanaagsan ayaanu u wada-shaqaynaa.

S: Maxaad u soo jeedin lahayd Bulshada reer Baydhabo madaama aad aragto Faa’iidada dawladda laga helay in ay sii joogto Baydhabo?
J: Dadka reer Baydhabo waxaan ugu baaqi lahaa in ay dawladda ilaashadaan oo ay ku dedaalaan, shalay iyo maanta waanu wada xasuusanaa, shalay may jirin nabadgelyo, muu jirin dhaqaale, runtii Guriga maanta Baydhabo ku yaala ee iska caadiga ah waxaad arkaysaa $400 ilaa $500 in Bishii lagu kiraynayo, shalayna kiro daaye waxaa lagu bixinayey lacag lagu waardiyeeyo si aan loo furan Jiingadiisa ama albaabada loola bixin, taasaana tusaale inoogu filan. Waxaan odhan lahaa shacabka reer Baydhabo waxa ay dantiinu ku jirta in aad isku duubnaataan oo aad taageertaan dawladda oo ragga doonaya inay dantooda shaqsiyadeed fushadaan aanay dantooda raacin oo aanay idinku beerlaxawsan qabiil iyo nin jeclaysi oo aad iska garataan.

Top


Suldaan Maxamed Xaaji Xuseen Oo Cadeeyay in
Isaga Iyo Beeshiisuba Aanay Marnaba Ka Hor
Imanayn Wixii Ay Beelaha Somaliland Ku Heshiiyeen

Burco, October 26, 2006 (Haatuf) – Suldaan Maxamuud X. Xuseen ayaa shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay gurigiisa oo ku yaal magaalada Burco ayaa ku sheegay in aanay isaga iyo beeshiisuba ka hor-imanayn go’aanadii Beelaha Somaliland ku gaadheen shirkii Burco 1991-kkii ee gooni-isu-taaga Somaliland lagaga dhawaaqay, isla markaana ku sheegay in jiritaanka Somaliland yahay mid muqadas ah.

Suldaan Maxamuud X. Xuseen waxa kale oo uu ka hadlay warar dhowaanahan la isla dhexmarayay oo ahaa inay xukuumadu doonayso inay xidho, ka markii uu dhowr Jimce uu ka hadlay Masaajid, isaga oo jeediyey in shareecada islaamka iyo kitaabka la isku xukumo, waxaanu sheegay in arintaas masuuliyiinta gobolka Togdheer ay si khaldan u fasirteen, ka dibna ciidamo ay dawladu keentay gobolka, taas oo uu sheegay in la doonayay in lagu handado isaga iyo rag kale.

Waxaanu ugu horeyn shirkaa jaraa’id hadalkiisii ku bilaabay “Waxaan Idiinku yeedhay in aan ka hadlo wararka maalmihii dhowaa laysla dhex marayey, wararkaas oo gaadhay Heer Wasiir, ilaa heer Ciidan Arimahaas oo Burco ka soconayey ee xasaasiga ahaa, waxaana la lahaa Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur ayaa la xidhayaa (Si xun wax u sheeg Sixir waa ka daran yahay), Warkaa Aniga iga baxay ee Heerkaas la Gaadhsiiyey oo ah Heer Wasiir, Heer Ciidan Qaran waxaan filayaa in aanu Heerkaa Gaadhin. Laba jeer ayaan ka hadlay Masaajid, waxaan ka hadlayay waxay ahayd in Shareecada Islaamka laysku laysku xukumo.

Shareecada Islaamka maaha wax Soomali-weyn leedahay ee waa wax ka dhaxeeya Ummada Muslimiinta oo dhan.Waynu gaadhnay, waynu ku heshiinay Dastuurkeena ayey ku taalaa Cid kasta oo Somaliland ah Qoys, Dad, Dalka, in shareecada Islaamka laysku Xukumo, waa inagu waajib wax aan cid isu daba taagaynaa maaha, mana ah wax hadii la soo qaado Qoladaas ayaa iska leh, waana wax aan odhanayaa mar walba, waa wax aanan marnaba ka tanaasulayn. Maaha hadii aan ka hadlo Jiritaanka Somalilandm la yidhaahdo Suldaanku wuxuu ku xidhan yahay Xamar iyo Meelo kale, Arintaasina ma jirto. Aniga iyo Beeshaydaba beel ahaan ayaanu qaadanay kuna balan furimayno Beelaha Somaliland. Beel Ahaan, Shaqsi ahaan, mar walba Jiritaanka Somaliland waa lama taabtaan Muqadis ah. Arintaasna Beeshaydu ma khiyaamaynayso oocid nooga lexejeclo badan Dalka Ma jirto , cid nooga soo jeed badnayd oo nooga dhibaato badnayd ma jirto. Waxaana Daliil u ah Shir-kasta oo Somaliland lagaga soo horjeedo oo aanu ka qayb-galno ma jirto shaqsi ahaan iyo Beel ahaan.

Waxaan ka hadlayaa waxaa weeye in aanu nahay Somaliland, Nabad Gelyada iyo Xasiloonida in badan ayaan ka shaqeeyey, waxaan ku kordhiyo Mooyee waxaan yeelayo ma jirto, Sidaana waxaa qabta Shareecada Islaamka in xasiloonida iyo nabad-gelyada la ilaaliyo, taasina waa MabDa’ayaga, maaha in aan Shareecada Islaamka ka horimaado, oo wax dhacaya maaha Maxkamadaha Islaamiga ah ee had iyo jeer la yidhaahdo waa ku xidhan yahay, ilaa heer baa la gaadhsiiyey la yidhaahdo Shiikh Cali Warsame Ciidamo ayuu soo wadaa, Ina Xaaji Xuuseenna Dadkii ayuu sii abaabulayaa. Markaa sidii Aayatulaah Khumeeni ayuu shiikh Cali ka soo Dhex-tegayaa, markaa hawshaas halkaas layskaga duba-ridayaa, taasi na ma,aha arin aan meel kaga shirnay aniga Iyo Beeshaydu, khaasatan Beelaha Bariga Burco.

Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho waxay degaankooda ka qabteen dadkoodii ayey ka saareen Dhibaato 16 Sanadood ay ku jireen, waana ugu hambalyaynaynaa waxaa wanaagsan ee ay Ummadooda u qabteen, Muslim iyo Gaalba wixii caqli Saliim ah waa u Hambalyeynayaa,
wax xidhiidh Shaqsiya ama Beel Ahaan aan la leenahayna ma jiraan. Maxkamaduhuna Dhulka ay gacanta ku hayaan ha xasiliyeen, Dhulka Nabad Gelyadu ka jirtana ha nabad Geliyeen.

Ugu Danbayntii, waxaan u Hambalyeynayaa M/Weynaha Jamhuuriyada Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo Shalay (Doraad) Munaasabadii Ciida ku Dhawaaqay In Shareecada Islaamka Dalka ku Xukumaayo, waana soo dhoweynayaa, waxaanan leeyahay kaga dhabee arintaa waa arin kuu wanaagsan If iyo aakhiroba, Anagana noo Fiican Hawsheenuna waa soo degaysaa”.

Intaas ka dib Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur waxaa Su’aaalo weydiiyey Warbaahintii ka qayb-gashay Shirkaa-jaraa’id, Su’aalihiina waxay u dhaceen Sidan:

S: Suldaan waxa la leyahay waxaad tidhi C/aali Yuusuf, Cade Muuse iyo Rayaale ayaa ku heshiiyay in ciidamada la kala qaado, ciidamadii la dul keenay Burco-na dadka ayaa lagu cabudhinayaa, arintaa maxa ka jira?
J: Hadalkaas Jimcihii hore oo aan hadlay ayaan sheegay, markaan arkay tiiyo lagu soo kululeeyay ayaan dadka ku guubaabiyay hadalkaa, waxaanan ka soo xigtay Boqor Buurmadoow oo yidhi C/laahi Yuusuf iyo Cade Muuse ayaa ku heshiiyay in Somaliland ictiraafaan. Waxaan aminsanahay in Boqorku ku hadlo afka Xukuumada, laakiin xukuumada kamaan maqlin, qofkuna maah hadalkiisa inuu dafiro hadalkaana waan idhi.

S: Suldaan intaad hadlkan dadka dhexdooda ka sheegaysaan Salaadiin ahaan ma u tagteen halka Taladu ka go’do oo ma kala hadasheen Arintan?
J: Way fiican tahay, arintanina waxay ahayd mid in shareecada Islaamka ah, arimo badan oo hore aanu ugu soo jeedinay way jireen oo aan wax badan laga qaban, arintan aan soo jeediyayna waxay ahayd arin shakhsi, waxaana u weynaa labo qodob oo kal ah
1. In Maxkamadaheenan uu yaal Hindian Panel Code-ku laga qaado oo la dhigo Kitaabka Ilaahay
2. Iyo in la xoojiyo Hay’ada Wanaag Farista iyo Xumaan reebista, si loo joojiyo Mukhaadaraadka iyo Dhaqan xumadan fidaysa .

S: Xukuumada waxa xidhiidh ah ma kala sameysay arintan?
J: Maya.

S: Suldaan hadalkaad dhawaan jeedisay ma ku sheegtay in Burco Maxkamad laga furaayo?
J: Maya arintaa maan sheegin ee waxaan ka hadlay uun Maxkamadaheenan.

S: Suldaan waxad ka mid tahay Madax-dhaqameedyada Beelaha, Culimaduna waxay sheegaan in ay xeerarka Beelaha ku jiraan arimo badan oo lid ku ah Shareecada Islaamka, markaa arimahaas maxaad wax uga qaban-waydeen intaydaan meel kale u gudbin?
J: Anagu Beel ahaan waanu isku guubaabinay, waanuna ka balanay arintaa, sidaan sheegayna waa arin Shakhsi, Qoys iyo Qaranba loo baahan yahay, Suldaamo badana arimaha Diinta lidka ku ah waanu ka wada hadalnay, waanan sii Xoojinaynaa horena waanu uga wada hadalnay.
 

Top


Maraykanka Oo Kordhiyay Ciidamadiisa Ka
Jooga Geeska Africa Ee Jabuuti

Djibouti, October 26, 2006 (Haatuf) – Dawlada Maraykanka ayaa kordhisay ciidamadeeda ka jooga Geeska Africa, gaar ahaan dalka Jabuuti oo ay saldhig miletari ku leedahay, kuwaas oo u jooga dalkaJabuuti hawlo la xidhiidha la-dagaalanka argagixisad caalamiga ah.

Sida uu sheegay Afhayeen wasaarada gaashaandhiga ee dalka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in ay 1800 oo askari oo dheeraad ku soo kordhin doonaan ciidamadii hore uga Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Djibouti.

Richard Hand oo ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Maraykanka ka jooga Geeska Afrika ayaa sheegay in ciidamadani ay hawshoodu tahay la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika, iyada oo xaalada hada ka taagan gobolkaasi ay u saamixi karto kooxahaasi inay gabood ka dhigtaan Somaliya.

Inkasta oo ciidamadaasi u joogaan dalka Djibouti arrimo la xidhiidha dhinaca nabadgelyada, hadana waxay ka qayb-qaataan hawlaha dhinaca ban’aadannimada ah ee dalalka Djibouti, Kenya, Ehtiopia, Tanzania, Ereteria, Uganda iyo Sudan ayaa hadana waxay ciidamadaasi isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa ka jira dalka Somaliya oo ay dagaalo ka soo cusboonaadeen.

Tan iyo markii uu magaalada Muqdisho dagaalku ku dhexmaray Maleeshiyaad Somali ah iyo Ciidamada Maraykanka ayaa Maraykanku waxa uu dusha ka eegayay arimaha ka soconaya Somaliya, isaga oo diidan inuu soo fara-geliyo, hase yeeshee kaaliyaha wasiirka arrrimaha dibada dalka Maraykanka ee arrimaha Afrika Mss Jendayi Frazer ayaa sheegtay in dalka Maraykanku aanu fara-gelin doonin Somaliya ilaa ay Somalida lafteedu go’aamiyaan mustaqbalkooda iyo cida iyaga hogaaminaysa.

Maraykanka ayaa uga digay golaha maxaakiimta oo gacanta ku haya inta badan dalka Somaliya in aanu Maraykanku aqbali doonin inay Maxkamaduhu ka dhigaan Somaliya meel ay ku gabadaan kooxaha argagixisada ah ee uu Maraykanku doondoonayo. Waxa kale oo ay Frazer sheegtay in aanu Maraykanku lug ku lahayn waxyaabaha ka soconaya Somaliya, iyada oo safaarada Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya ay isha ku hayso dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta Somaliya.

Top


Xasan Daahir Aweys Oo Sheegay In Aanay
Maxkamaduhu Weerari Doonin Magaalada Baydhabo

Muqdisho, October 26, 2006 (Haatuf) – Hogaamiyaha Golaha Shuurada Maxaakiimta Muqdisho Xasan Daahir Aweys ayaa waxa uu u sheegay jariirada la yidhaahdo Sharqul-Awsad in aanay Maxkamadaha Islaamiga ahi diyaar u ahayn inay ku duulaan magaalada Baydhabo, haddii aanay maleeshiyaadka Imbagaati xagooda kaga iman dagaal, waxaanu sheegay inay maxkamaduhu ay dhowrayaan waxyaabihii lagu heshiiyey shirarkii magaalada Khartoum lagu qabtay ee ay dhexdhexaadinayeen Jaamacada Carabta, kaas oo qeexayay in aanu dhinacna dhinaca kale ku xadgudbin oo ay qodobkaasi dhowrayaan.
Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa mar kale ku celiyey inay jiraan ciidamo Itoobiyaan oo ka barbar dagaalamaya maleeshiyaadka Imbagaati, isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Xad-gudub bay ku tahay qaranimada Somaliya ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Carada Somalida, isla markaana aanan u dul-qaadan u doonin”.

Hase yeeshee Aweys muu cadaynin sababta keentay in ciidamada Maxkamaduhu fadhiisimo ka samaystaan Masaafo ka yar meel u jirto 50km magaalada Baydho, waxaanu muujiyey inay maxaakiimtu ka qayb-geli doonaan wada hadalada qabyada ah ee magaalada Khartoum lagu qaban doono dhowaan.

Mr Aweys hadalkan uu siiyey wargeyska Sharqul-awsad ayaa wuxuu ku soo beegmay ka dib markii mid ka mid ah hogaamiyayaasha maxkamadaha ee gobolada Jubooyinka Xasan Turki uu maalintii Ciidii sheegay in maxkamadaha islaamiga ahi ay qabsan doonaan magaalada Baydhaba ee xarunta u ah dawlada itaalka daran ee Imbagaati iyo meelo kale oo ka mid ah dhulka lagaga hadlo Afka Somaliga oo ay ku jirto Somaliland, Kililka 5-aad, NFD iyo Djibouti.

Hase yeeshee Xasan Daahir Aweys wareysigiisan kuma uu soo hadal qaadin waxa ay ka yeelayaan meelahaa uu sheegay Xasan Turki inay qabsanayaan marka laga reebo magaalada Baydhabo oo uu sheegay in aanay duulimaad ku ahayn.
Dhinaca kale, maleeshiyaadka Maxkamadaha ee ku sugan magaalada Buur-Hakabo ayaa la sheegay inay ka joojiyeen magaalada Baydhabo shidaalkii uga iman jirey dhinaca magaalada Muqdisho, Sidaana waxa sheegay masuuliyiin iyo dad goob-joogayaal ah.
Mid ka mid ah masuuliyiinta Maxkamadaha oo halkaa ku sugan ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ka baadhaynaa wixii qalab milateri ah oo uu ku jiro shidaalka laftiisu, taas oo aanu uga cabsi qabno in lanagu soo weeraro, taasina maaha cuna qabatayn, laakiin waa xaalad dhinaca amaanka ah”.

La-taliyaha ra’iisal wasaaraha Itoobiya Barakaat Simon ayaa sheegay in haddii ciidamada Maxkamaduhu ay weerar ku soo qaadaan xarunta dawlada Imbagaati ee Baydhabo ay dawladiisu diyaar u tahay inay difaacdo dawlada sharciga ah ee lagu soo dhisay Imbagaati, isla markaana ay aqoonsan tahay beesha caalamku, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wararkii u dambeeyey ee dawlada Itoobiya ka soo saarto arrimaha Somaliya ayaa waxay ku sheegtay in ciidamada Itoobiya ay sii joogi dooonaan gudaha Somaliya, haddii la qaado xayiraada hubka ee saaran Somaliya iyo haddii kaleba.

Dhinaca kale, Maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa la sheegay inay maalintii shalay qabsadeen Degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe oo ay degmada qudha ee aan gacanta ugu jirin Maxkamadaha Gobolada Jubooyinka.

Waxa kale oo wararku intaas ku dareen in Garoonka diyaaradaha ee degmada Waaji ee gobolka Bay laga joojiyey diyaaradihii Hay’adaha Samo-falka oo ay ku jiraan kuwa qaramada midoobay, kuwaas oo loo wareejiyey dhinaca magaalada Xudun ee gobolka Bakool.


 


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hambalyo Iyo Taageero
Ku Waajahan Baaqii Siyaasadeed
Ee Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow)

Hor iyo horraan haddii aanu nahay aqoonyahanayada, odayaasha iyo xubnaha jaaliyada Habarjeclo Bari ee wadanka Ingiriiska waxanu taageero iyo ayidaad buuxda siinaynaa mawqifkii siyaasadeed ee uu dhawaan iclaamiyey boqorka Beeshu, Boqor Cismaan Aw Maxamuud, kaas oo aanu aaminsanahay inuu yahay ama ka turjumayo mowqifka siyaasdeed guud ahaan Somaliland isla markaa waxtar u yahay masiirka ummadda Somaliland, muujinayana in beeshu ay hormood ka tahay difaaca iyo ilaalinta dalka, iyadoo beesha taariikh ahaan waligeed kaalin mug leh kaga jirtey taageerada mowqifkii gooni isu taaga Somaliland.

Sidaa awgeed waxanu rajaynayana kana codsanynaa dhamaan beelaha Somaliland deggan taagaareen mawqifkaa xalaasha ah.
1. Axmed Xaaji Cabdillaahi (Rooraaye)
2. Kornal Axmed Jamac Ducaale
3. Kornal Aadan Maxamed Samakaab
4. Ibraahim Maxamed Cali
5. Siciid Axmed Cali
6. Axmed Cilmi Bare
7. Cabdi Cilmi Bare
8. Rashiid Axmed Dhigane
9. Siciid Ismaacil Xirsi
10. Maxamuud Siciid Ayaanle
11. Cabdillaahi Jaamac Ducaale (Xine)
12. Siciid Saalax Maxamed
13. Axmed Cabdi Guuleed
14. Maxamuud Ismaacil Maxamuud
15. Saalax Xasan Muuse
16. Ibraahin Xasan Muuse
17. Cabdillaahi Maxamed Cali
18. Xasan Cali
19. Caraale Hure Xasan
20. Yuusuf Cali Hiraad
21. Cumar Gaas
22. Suleeman Cali Hirad
23. Axmed Cabdi Guray
24. Siciid Axmed Xusseen Darsane
25. Dr Salaad Celoob
26. Jibriil Faarax Salax
27. Cali Geele Xidig
28. Mubaarik Hilaac Maxmuud
29. Mustafe Saalax Xasan
30. Saciid Cawl Cabdule
31. Cabdi Iidle Cabdule
32. Xaashi Faarax Cabdule
33. Ibaarhin Salaad Quule
34. Maxamed Warsame Cali
35. Mahad Jamac Cabdi
36. Axmed Yusuf Ducaale
37. Saleebaan Yaasiin Barre (Badhicadde)
38. Siciid Aw Cali Odawaa
39. Cabdillaahi Saleebaan Allaale
40. Jaamac Xaaji Dirir
41. Muuse Maxamed Ducaale
42. Jaamac Maxammed Yusuf Fidhin
43. Xirsi Shire
44. Siciid Saleebaan Allaale
45. Yusuf Maxamed Diriye
46. Cabdixakiim X Yusuf M Caamir
47. Cabdirahmaan Xuseen (Jadami)
48. Xuseen Nuux Ducaale
49. S Yasin [Sybarre@Hotmail.Com]

 


Madaxweyne; Fallaadhi Gilgilasho Kaagama Go’do

Anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ku degan dalka UK, waxaan ka jawaabayaa maqaalkii uu Madaxweyne Rayaale ku qoray Wargeyskiisa Maandeeq, Cadadkii 1875 ee soo baxay maalintii Isniintii 23/10/2006, maqaalkaas oo uu is lahaa ku beeni warkii Eng. Maxamed Xaashi Cilmi sheegay, laakiin muu beenin, waayo, Maxamed Xaashi wuxuu yidhi Madaxweyne Rayaale, xaaskiisa iyo carruurtiisu waxay qaateen Baasaboor Djiboutian ah, waana ka ay ku degan yihiin carruurtiisu dalka Masar ee ay wax kaga bartaan. Sidaas darteed Eng. Maxamed Xaashi muu odhan Madaxweynuhu wuu ku dhoof-dhoofaa ee wuxuu yidhi wuu haystaa Baasaboor Djibouti ah.

Sidaa darted Madaxweyne Rayaale waan leeyahay Madaxweyne maqaalkan aad u qortay wargeyskaaga Maandeeq kagamaad jawaabin wixii Injineerku sheegay ee meel kale ayaad isku qaaday, waxaanad qortay maqaal anshaxa ka baxsan oo aad ku caayayso shakhsiyada Maxamed Xaashi, lagumana qanci karo baasaboorkaaga Somaliland ee aad koobiyadiisii soo sawirtay.

Mudane Madaxweyne, waxaanu ognahay in inankaaga weyn ee London noogu yimi uu noo sheegay inuu dalka ku soo galay baasaboor Djiboutian ah, waxna uu ku barto, isla markaana uu damiintay lacagtana ka shubay ganacsadaha reer Djibouti ee Somaliland u dhashay magaciisana la yidhaahdo Jaamac Oomaar (Ina Oomaar), markaa Madaxweyne falaadhi gilgilasho kaagama go’do ee ha dafirin baasaboorka Djibouti inaand haysato iyo dalka Djibouti Madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle (oo aad ina-abti tihii) inaad kula soo heshiisay inaad Lawya-caddo ka soo rarto ciidamada iyo xafiisyada Somaliland oo aad ku wareejiso ciidamada dalka Djibouti.

Madaxweyne, Djibouti miyaanay ahayd tii iyadoo Somaliland muxaram kala yihiin tii aad booqatay adigoo laba cisho ahayn Madaxweynaha Somaliland markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee JSL Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Alla ha u naxariistee) ee aad jagada Madaxweyne-nimada kala wareegtay.

Madaxweyne, miyaanay Djibouti ahayn tii aad kula soo heshiisay adiga iyo Total, burburinta shantii dhuumood ee shidaalka Berbera iyo xidhista dekedda Berbera.
Madaxweyne, miyaanu ahayn Ismaaciil Cumar Geelle ninkii aad hambalyaysay markii uu Madaxweynaha Djibouti noqday adigoo Madaxweyne ku-xigeen ka ahaa JSL, iyadoo Djibouti iyo Somaliland aanay isku fiicnayn ee uu Marxuum Cigaal oo Madaxweynaha JSL ahaa kugu odhan afka xukuumadda Somaliland kuma hambalyan kartid ee ku hambalyee afkaaga shakhsiga ah.

Madaxweyne hadaad ka jawaabayso hadalkii Maxamed Xaashi soo sawir baasaboorada carruurtaadu Masar ku degan tahay ee ay wax kaga barato iyo kii Marwadaadu Masar ku tagtay, ummaddu ha ku qanacdee.
Cabdiraxmaan Muxumed Faarax, London, UK

Top