Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1250 Nov.2, 2006

Shir guddoonka golaha wakiiladda oo la Kulmaya Jaaliyadda UK

Guddiyadii Guurtida Iyo Wakiilada Ee Wada-xaajoodku u Socday Oo Go’aanadii Ay Ku Heshiiyeen U Gudbiyay
Shirgudoonada labada Gole

“Cidna Daba-Dhilif U Noqon Mayno Ee Qaranimadeena
Saaxiib Iyo Cadowba Wixii Wax U Dhimaya Waa Inaynu Ka Ilaashano, …”
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Wasaaradda Duulista Iyo Hawada Oo Cashuur Cusub
Ku Soo Rogtay Diyaaradaha Xamuulka Qaada

Wada-Hadaladii Kooxaha Maxaakiimta Iyo Mbagathi Ee Khartoum Oo Burburay

Maayarka Caasimada Oo Jawaabo Ka Bixiyay
Cabashooyin Qaar Ka Mid Ah Dadweynuhu Kaga Cawdeen La Kulankiisa

ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Warancade Ma Wuxuu Ku Socdaa Inuu Harag Shabeel Shaadh Ka Tosho Sidii Maputo Zeko-Zeko

Shalay Zam-Zam maanta Xaawo: Xaggee baa loo kici
xaawalaydii loo soo gelyay!

 


Shir guddoonka golaha wakiiladda oo la Kulmaya Jaaliyadda UK

SOMALILAND SOCIETY UK

Ururka Jaaliyadda Somaliland ee UK ( Somaliland Society UK) waxaa uu ogaysiinayaa dadweynaha reer Somaliland in madaxda shir guddoonka, mudane cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo mudane cabdicasiis Maxamed Samaale oo kala ah gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeenka golaha Baarlamaanka Somaliland ay shir ugu xogwaramayaan shacbiwaynaha reer Somaliland lagu qabandoono London. Haddaba waxaanu ka codsanaynaa dadweynaha reer Somaliland ee UK in ay ka soo qayb galaan kulankan muhiimka ah ee madaxdu martida inoogu yihiin.

Shirku wuxa uu ka dhacayaa:
John Kelly Technology College Crest Road, London, NW 2 7SN
Sunday, 05 Nov 2006, at 3pm

Wixii Faahfaahin dheeraad fadlan kale soo xidhiidh
Mohamed Omer Maigag 07951016681
Ali Hamud Jibril 07957257635
Abdi Ali Mahdi 07947951689
Ahmed Waqaf: 07939052332

Tareenka U dhawi waa : Neasden Station. Buses: 182, 316 and 245.
 

Top


Guddiyadii Guurtida Iyo Wakiilada Ee Wada-xaajoodku
u Socday Oo Go’aanadii Ay Ku Heshiiyeen U Gudbiyay
Shirgudoonada labada Gole

Qoddobada Lagu Heshiiyay Waxa Ka Mid Ah In Muddo Kordhintii Golaha Guurtida Fadhi Wada-Jir Ah Lagu Ansixiyo

Hargeysa, November 2, 2006 (Haatuf) – Guddiyadii labada gole ee guurtida iyo wakiilada ee wada xaajoodyada iyo wada hadaladu hore ugu socdeen ayaa maalintii shalay shirgudoonada labadaas gole u soo gudbiyey go’aanadii ay wada xaajoodyadaa ka soo saareen iyo arimihii ay iskula soo meel dhigeen kulanadii ay yeesheen.

Sidaana waxa saxaafada u sheegay gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, kadib markii uu dhammaaday kulan albaabadu u xidhan yahay oo ay labada gudi iyo labada shirgudoon ku wada-yeesheen shalay subax xarunta golaha guurtida, kaas oo saxaafadu mar ay wax ka weydiisay kulankoodaas ugu waramay xafiiskiisa, waxaanu Mudane Baashe sheegay in kulankoodaasi ku saabsanaa qoraaladii ay heshiiska ku soo wada gaadheen labadaa gudi, kuwaas oo ay labad guddi shirgudoonada labada gole ugu soo gudbiyeen, balse waxa uu ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo qodobada ku xusnaa heshiiska ay u soo gudbiyeen guddiyadu, waxaanu tilmaamay inay inta badan yihiin qodobada ku xusan qoraalada ay u soo gudbiyeen labada gudi soo jeedin, isaga oo intaa ku daray in labada gole ay arimahaas wada tashi guud ka yeelan doonaan.

Hase yeeshee, sida ay Haatuf u sheegeen ilo xog-ogaal ah oo ku dhowdhow xubnaha guddidaas, qodobada ay ku heshiiyeen labada guddi ee goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada ayaa waxaa ka mid ah in labada gole isugu yimaadaan fadhi wada-jir ah oo lagu ansixiyo muddo kordhinta afarta sannadood ah ee uu Madaxweyne Rayaale u soo jeediyay inay xilka sii hayaan golaha guurtidu, isla markaana ay golaha guurtida laftiisu isugu coddeeyay, taas oo sharciyadeeda khilaaf weyni ka taagan yahay. Sidoo kale oo la sheegay in qodobada ay labada guddi ku heshiiyeen ay ka mid tahay in aanay doorashooyinka Madaxweynaha iyo Goleyaasha degaanku dib uga dhicin wakhtigan u xadidan inay qabsoomaan, oo ay doorashada Madaxweynuhu qabsoonto 14 April 2008, doorashada goleyaasha degaankuna ay qabsoonto 15 December 2007.

Waxa kale oo ay sheegeen tibaaxaha laga helay qaar ka mid ah xubnaha labada guddi Guurtida iyo Wakiilada oo ka cudur-daartay sheegista magacooda in qodobada labada guddi ku heshiiyeen ay mid yihiin in muddo-kordhinta golaha guurtida ee xilliyada dambe ay labada gole wada yeesheen, isla markaana ay xeer-hoosad ay labada ku wada shaqeeyaan si dhakhso ah loogu hawl-galo samayntiisa iyo in arrinta dhaqaalaha ee mushaharka mudanayaasha labada aqal ay iskaga mid noqdaan.

Sidoo kale, waxaa wararku intaas ku dareen in ay labada guddi ku heshiiyeen inaan golaha guurtidu noqon dhengad ay xukuumaddo la dhacdo golaha wakiilada, balse ay danta qaranka si wada-jir ah uga shaqeeyaan.

Dhinaca kale, gudoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in shirgudoonka golaha guurtida lagu soo celiyay liiskii magacyada guddidii uu Xaaji Cabdi Waraabe u gudbiyay Madaxweyne Rayaale, isagoo intaas ku daray in shirgudoonku arrintaas gacanta ku hayo, dhowaana ay bilaabmi doonaan wada-hadalka guddiyada goleyaasha ee loo saaray arrinta turxaan bixinta khilaafaadka.

Hase yeeshee, gudoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan oo ay saxaafaddu isku dayday inay wax ka weydiiso kulankii ay shalay labada shirgudoon la yeesheen labada guddi guurtida iyo wakiiilada, ayaa isagu saxaafada afka ka xidhay.
 

Top


“Cidna Daba-Dhilif U Noqon Mayno Ee Qaranimadeena
Saaxiib Iyo Cadowba Wixii Wax U Dhimaya Waa Inaynu
Ka Ilaashano, …”
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye


“Marka La Leeyahay Cashuur Maaha Ee Waa Tabaruc Ma Waxa La Doonayaa Inuu Wasiirku Intuu Madaarada Dhex Istaago Dadka Ka Dawarsado”

“Arrinta Shareecada Islaamku Ma Wax Maanta Soo Baxay Baa, Dastuurkeena Ayaynu Ku Cadaynay…”

Wareysi qaybtii 2-aad – Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, November 2, 2006 (Haatuf) – “Wargeyska Haatuf Burco iyo meel kale toona lagu gubo iyo jariidad kale toona waxaan u arkaa khalad aad iyo aad u weyn, waxaan u arkaa inay tahay gef iyo meel ka dhac in sidaa loola dhaqmo saxaafadeena madaxa banaan, dhaqanka xoriyada iyo dimoqraadiyada ayaana ina faraya, waan arkayay dad reer Burco ah oo wax ka tabanayay Haatuf oo lahaa waxaad moodaa in Haatuf ay si gaar ah tacadi inooga gelayso, haddana wax kastoo jira cidna ku taageeri mayno in falka noocaas ah loo quudho Haatuf, waananu ka tacsiyadaynaynaa xaalna waan ka bixinaynaa.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo wargeyska Haatuf wareysi la yeeshay habeen hore, kaas oo uu kaga waramay arrimo ay ka mid yihiin muddo-kordhinta golaha guurtida ee sharciyadiisu dhammaatay, baaqii Madaxweyne Rayaale ee turxaan-bixinta khilaafaadka goleyaasha qaranka, xiisadaha ka taagan mandaqadda Geeska Afrika iyo arrimo kale oo badan.

Wargeysigaas oo intiinii akhrisatay Wargeyska Haatuf cadadkiisii shalay soo baxay aanu idiinku soo gudbinay qaybtiisii hore oo uu kaga hadlay Axmed Siillaanyo mowqifka xisbiga KULMIYE ee ku aadan muddo kordhinta golaha guurtida ee sharciyadiisu dhammaatay iyo arrinta guddiyada goleyaasha qaranka uga qayb-gelaya turxaan bixinta khilaafaadka goleyaasha qaranka.

Wareysigaas qaybtiisii 2-aad oo idiin balan-qaadnay ayaa waxa uu u dhacay sidan:

S: Socdaalkii aad dalka Ingiriiska kaga soo laabatay dhowaan markii aad u baxaysay waxaad sii martay Addis Ababa oo la sheegay inaad kulano ku wada yeelateen masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya, maxaad kaga wada hadasheen kulankaasi?
J: Waa dhab inaan sii socodkii Addis Ababa sii maray, masuuliyiinta Itoobiyaana waanu isa sii aragnay, si aad u qoto dheerna waanu u wada hadalnay, waxaanu ka wada hadlaynay uun danaha labada dal iyo dhibaatooyinka ka taagan mandaqada aynu ka wada tirsannahay, sida ugu haboon ee loo xalin karo dhibaatadaasi. Kolay waxaanu isku guubaabinay wixii dan ah ee labadeena dal inaga dhexeeyaana waa wax wada qabsi, talada aan qabo mar walba ee aan iyagana ku lahaa waxa loo baahan yahay in arimaha ka taagan mandaqada ee wada hadal iyo is-afgarasho lagu dhameeyo, anigu waxaan aaminsannahay inay waxa kale ka gabasho tahay, khaasatan waxa doorka ugu weyn mandaqada ka ciyaaraya inay yihiin maxaakiimta iyo Itoobiya ay wada hadal toosa yeeshaan, si mandaqada xasilooni loogu helo, sida qudha ee lagu wada nabadgeli karaana waa in wada hadalada laga wada qayb-galo oo aan wax batrool ku sii shuba loo baahnayn, hadii kale ololka halkaasi ka dhacaa waxa uu noqonayaa mid dhibaato ku keena mandaqada geeska Afrika.

S: Masuuliyiinta maxkamadaha Muqdisho waxay ku hanjabeen inay Somaliland gacan bir ah ku qaban doonaan, isla markaana aanay ogolayn inay gaar noqoto, arimahaasi sideed u aragtaa?
J: Horta runtii hadalada ka soo yeedhay way kala duwanaayeen, qaar hadalo dabacsan ku hadlayay iyo qaar hadalo aan la qaadan karin ku hadlayayba way jireen, waxaa muuqata inay meesha khilaafyo ka jiraan, inaguse marnaba u maynu diidin oo waynu soo dhoweynay wixii ay ka qabteen gobolkooda, laakiin inagu marnaba umaynu garaabin waxay inaga leeyihiin kuwooda inoo maleegaya ee dhibaatada inala damacsan, C/laahi Yuusufna waynu ogayn halkaynu kala taagnayn, arintaas waxaan u malaynayaa inaynaan ku kala baydhsanayn, inaynu nidhaahno anagana hana soo faragelinina, deriskeenana nabadgelyo wax kaga raadsada, inaguse cid aynu qaranimadeena iyo xasiloonideena uga habranaynaa ma jirto, inaga waxa inala gudboon oo danteenu ku jirtaa inaynu wada jirkeena iyo isku duubnideena ka shaqayno, hadii xukuumada laga helo.

S: Wakhtigan xaadirka ah waxa jira dareemo badan oo laga bixiyey xukuumada Somaliland iyo maamulka Imbagaati ay dawlada Itoobiya ka dhex wado isku soo dhoweyn, taas oo socdaalkii ugu dambeeyey ee weftigii wasiirka arimaha dibada ee socdaalka ku tegay Addis Ababa la sheegay inay kulan qarsoodi ah wada yeesheen C/laahi Yuusuf, arimahaa sideed u aragtaa?
J: Tuhuno iyo dareemo badani way jiraan, laakiin wakhtigan oo ay mandaqada ka jiraan arimo xaasaasi ahi waxaan jeclahay inaynaan dalkeena, gudaheena borobogaando ka furin, waxay ila tahay inaynu madaxbanaanideena dhowrno, waa inaynu saaxiib iyo cadawba wixii madax banaanideena wax u dhimaya aanu marnaba jirin, cidna daba dhilif u noqon mayno, danaha aynu fushanayno ama aynu cid u fulinaynaa waxaa caam ahaan, waxaynu ku badbaadaynaa waa inagoo maslaxada guud cid walba kula talina, teenana ilaashana wixii inaga dhexeeyana aynu wada ilaashano, erayga xaqa ah ee gartu ku jirto marku inagu soo beegmana aynaan ka gaban.

S: Rajo intee le’eg baad ka qabtaa inuu madaxweyne Rayaale si dhab ah u fulin doono baaqa turxaan bixinta iyo khilaafaadka golayaasha ee uu soo jeediyey?
J: Waxa jiraaba cakaaruu iman, waataan idhi wax kastoo wax lagu toosinayo oo wada hadal ah oo maanta is-afgarad keenaya waanu dhiiri-gelinaynaa oo ka soo horjeedsan mayno, kolayse waxay aniga iigu muuqatay waxaan ila qumanayn, markii la yidhi axsaabtu ha dambayso, yeelkeede haday dhacday taasiba waa dan, waanu dhiiri-gelinaynaa inay run ka tahay iyo inay muhmal ka tahayna way soo bixi doontaa, anaguse ka hor-mari mayno wada xaajoodka iyo wada hadalka.

S: Sideed u aragtaa munaasibadii ciidal fidriga balanqaadkii uu madaxweyne Rayaale ku sheegay in shareecada islaamka dalka laga dhaqan gelin doono?
J: Horta waxa la yaaba arinta shareecada islaamku ma wax maanta soo baxay baa, maxaa looga dhigayaa mawduuc cusub, xukunka shareecada islaamka dastuurkeena qaranka ayaynu ku cadaynay in wixii shareecada aan waafaqsanayni uu wax kama jiraan yahay, barnaamijka xisbiga Kulmiyana wuu ku jiraa in shareecadu muqadas tahay. Run ahaantii madaxweynuhu hadaladii uu siiyey wargeyska afka ingiriiska ku soo baxa ee Daily Telegraph iyo hadaladii uu ka yidhi munaasibadii ciidda waxay ahaayeen hadalo kala duwan, taasina isweydiinteeda ayay leedahay, anigu barigii dhoweyd ee aan idhi madaxweynaha runta iyo balanta iskuma fiicna waa kii igu yidhi caydaan kuu fasaxay, markaa cay igama ahee, laakiin mararka qaarkood wuxuu ku hadlaa hadalado isweydaarsan oo kala fog, balse waxaan u malaynayaa dadku taas ku baray. Muddo markuu joogaba mar buu baxaa oo uu yidhaahdaa wax walba soo dhamaynay, ictiraafkii qarkuu inoo soo saaran yahay, ilaa haddana waxaad moodaa in la sugayo dheri dhagax lagu riday. Arintaa duruufta lagu jiro awgeed waxba ku sii dheeraan maayo, waxa fiican muslimow run sheeg, muslimowna run uga qaado.

S: Sideed u aragtaa geedi socodka siyaasadda arimaha dibada, rajo intee le’eg baanad ka qabtaa ictiraaf raadinta oo lagu tilmaamo mid fadhiid ah?
J: Siyaasadeena arrimaha dibada waxaan u arkaa marka laga hadlayo ictiraafka, maaha ilaa hadda siyaasad midho dhashay, maalinta madaxweynuhu ama qof xukuumadda ka tirsaniba uu dibada u baxo waxa la yidhaahdaa ictiraafkii qarkuu soo saaran yahay, xitaa dawladda Ingiriisku dhowaan waa cadaysay way jiraan xubno baarlamaanka Ingiriiska ku jira, ilaa haddana Ingiriisku wuxuu cadeeyey in arinta ictiraafka Somaliland u taalo Afrika, balse waxay sheegeen inay taageerada iyo wax la qabadka diyaar u yihiin, Itoobiya lafteedu waa tii cadaysatay ee tidhi anagu sheekada ictiraafka kuma jirno, sabab kasta ha ka lahaatee, laakiin ay taageero iyo wax la qabad diyaar u yihiin, labadaa arimood ayaad moodaa inaanay dawladdu sida saxda ah dadweynaha ugu bandhigin. Anigu arintaa ictiraafka sida dawladda been ka sheegi maayo, laakiin waxaan qabaa inaynu dedaal badan u galno ololaynta aqoonsiga oo aynu si wada jira uga hawl-galno.

S: Dhowaan wargeyska Haatuf oo daabacay cashuur sharci darro ah oo uu ku kordhiyey wasiirka duulista iyo hawadu dadka ka soo degaya Madaarada oo ah laba dollar, arintaas oo uu ku tilmaamay wasiirku tabaruc, isla markaana uu sheegay in sidii burco Wargeyska Haatuf loogu gubay, Hargeysana loogu gubi doono, arimahaa sideed u aragtaa?
J: Anigu arimaha noocaas ah aad baan uga xumahay inay sidaas u dhacdo, marka ugu horeysa in Wargeyska Haatuf Burco iyo meel kale toona lagu gubo iyo jariidad kale toona waxaan u arkaa khalad aad iyo aad u weyn, waxaan u arkaa inay tahay gef iyo meel ka dhac in sidaa loola dhaqmo saxaafadeena madaxa banaan, dhaqanka xoriyada iyo dimoqraadiyada ayaana ina faraya, waan arkayay dad reer Burco ah oo wax ka tabanayay Haatuf oo lahaa waxaad moodaa in Haatuf ay si gaar ah tacadi inooga gelayso, haddana wax kastoo jira cidna ku taageeri mayno in falka noocaas ah loo quudho Haatuf, waananu ka tacsiyadaynaynaa xaalna waan ka bixinaynaa, balse waxaanu leenahay reer Burco iyo Haatuf is-afgarad iyo wada hadal ha ka yeesheen tabashooyinka dhexyaala, waxaanan run ahaantii ka marag kacayaa in dadweynaha gobolka Togdheer ay xukuumaddu si wayn u hagratay, isla markaana ay tabashooyin farabadan ka tirsanayeen maamulka, kuwaas oo ay ka mid yihiin lacagta giimbaarta googo’day ee Somaliya oo ay xukuumaddu ku guul-daraysatay sidii ay uga bedeli lahayd, isla markaana ay lacagta Somaliland u gaadhsiin lahayd, waxaana muuqata in xukuumaddu aanay wax tixgelin ah siinin rabitaanka iyo tabashooyinka ka soo yeedha.
Lacagta la sheegay inuu wasiirku [Duulista iyo Hawada, Cali Maxamed Warancadde] kordhiyeyna waxaan leeyahay haday jirto waa arrin khaldan oo gef iyo meel ka dhac ku ah sumcadda dawladda, waayo wasiirku waxa uu ka tirsan yahay dawlad cashuur qaada oo cid gaar ahi u xilsaaran tahay, ogolaanshaheeda iyo qabashadeeda, marka la leeyahay cashuur maaha ee waa tabaruc ma waxa la doonayaa inuu wasiirku intuu madaarada dhex istaago dadka ka dawarsado, suurta galna maaha cashuur aan laga soo ansixin golaha wakiilada in si fudud loo kordhiyo ama dadka looga qaado, erayada ka soo yeedhay wasiirkana aad iyo aad baanu uga xunnahay.

S: Halkee ayay maraysaa qabanqaabadii shirweynaha xisbiga KULMIYE?
J: Meel wanaagsan ayay maraysaa qabanqaabadii shirweynuhu, guddi baana ku hawlan, insha allaahuna wakhti munaasib ah ayuu qabsoomi doonaa.

Top


Wasaaradda Duulista Iyo Hawada Oo Cashuur Cusub
Ku Soo Rogtay Diyaaradaha Xamuulka Qaada

“Anigu Kama Waramayo Ee Wasiirka Ayaa U War-Haya Ee Isaga Wax Ka Weydiiya”

Hargeysa, November 02, 2006 (Haatuf) – Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa ku soo rogtay diyaaradaha xamuulka (cargos) keena Somaliland inay halkii duulimaad ee ay ku yimaadaan dalka bixiyaan lacag dhan $260 (laba boqol iyo lixdan doollar), taas oo ay ku tilmaamantay inay tahay cashuurta marista hawada sare ee Somaliland (over flight charges) oo ay qaadanayso wasaaradda Duulista Hawada, isla markaana ay diyaaraduhu u dhiibayaan Maareeyaha Madaarka ay hadba diyaaraddu fadhiisato.

Sidaana waxa lagu qeexay dhokumenti qoraal ah oo uu ku saxeexan yahay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada, Axmed Cumar Maxamed (Caga-dable), kuna taariikhaysan 17/10/2006, taas oo loo kala diray shirkadaha diyaaradaha xamuulka ee ka shaqeeya Somaliland, waxaana nuqul ka mid ah dhomentigaas qoraalka ah oo af-ingiriisi ku qoran oo uu Wargeyska Haatuf helay lagu wargeliyay inay shirkadaha diyaaradaha xamuulku taariikhda qoraalkaasi soo baxay laga bilaabo ay cashuurtaasi ku waajibtay, waxaanu qoraalkaasina u dhignaa sidan:

“Waxaan idinku wargelinaynaa laga bilaabo taariikhda maanta 17/10/2006 in la dhaqan-gelinayo qaadista cashuurta duulimaadyada diyaaraduhu ku maraan hawada Somaliland. Qiimaha halkii duulimaad oo dhan $260 waxaa loo dhiibayaa Maamulaha Madaarka ay diyaaradu soo fadhiisato.”

Haddaba, kadib markii ay cashuurtan wasaaradda Duulista Hawadu soo rogtay ayay qaar ka mid ah shirkadaha diyaaraha xamuulka (cargo) ee Somaliland ka hawl-galaa ku tilmaameen inay tahay cashuur sharci-darro ah oo aan xaq loogu lahayn iyagoo ku doodday inay bixiyaan cashuurtan lagu sheegay “over flight”ka oo ay lacagtani ku jirto lacagta cashuurta landing-fee-ga loo yaqaan ee ay wasaaradda Maaliyaddu ka qaado markasta oo ay diyaaraddu soo fadhiisato madaarada Somaliland, halka ay hay’adda Qaramada Midoobay ee la yidhaadho ICAO qabato lacagta diyaaradaha ajaanibka ahi ay ku dul maraan hawada Somaliland, sidaas darteedna aan xaq loogu lahayn in cashuur mar kale la qaado.

Wasiir ku-xigeenka Duulista Hawada, Mr. Axmed Caga-dable oo isagu qoraalka cashuurtan lagu waajibinayo soo saaray, ayaa mar uu wargeyska Haatuf khadka telefoonka kula xidhiidhay weydiiyay waxay tahay cashuurtan cusub ee ay ku soo rogeen diyaaradaha xamuulka ee Somaliland yimaada, waxaanu Mr. Caga-dable jawaabta su’aashaas iskaga riixay dhinaca Wasiirka Duulista Hawada, Cali Maxamed Waran-cadde, isagoo wasiir ku-xigeenku yidhi: “Anigu kama waramayo ee wasiirka ayaa u war-haya oo og, ee isaga wax ka weydiiya.”

Si kasta ha ahaatee, marka la eego nuxurka dhokumentiga qoraalka ah iyo hadalka jawaabta wasiir ku-xigeenka Duulista Hawada, waxay u muuqataa in cashuurtani tahay mid aan soo marin hanaankii dawladnimo, iyadoo sida qoraalka ku qoran aanay cashuurtaas qabanayn hay’adii dawladda ugu xilsaarnayd qabashada dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, xataa kuma muujisna qoraalkaas inuu khasnajiga Wasaaradda Duulista Hawada qabto, sidaas waxaa la odhan karaa maaha mid nidaamkii dawladeed soo martay ka sokow intaan la eegin sharciyadeeda iyo sharci-daradeeda.

Waxay ahayd horaantii bishii dhammaatay ee October markii cashuur aan sharci ahayn ay wasaaradda Duulista Hawadu ku soo rogtay dadka dhoofaya iyo kuwa soo degayaba in qofkii laga qaado $2, taas oo uu wasiirka Duulista Hawada Cali Waran-cade ku tilmaamay mid tabaruc ah.

Sidaas darteed, waxaan mugdi ku jirin in cashuurahani yihiin qaar sharci-darro ah, maadaama aanay cashuurahani ahayn kuwo uu soo ansixiyay golaha wakiiladu, sidaasna ay masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawadu ku jebiyeen qodob dastuuri ah oo dhigaya inaan cashuur ama tacriifad la kordhin karin ilaa ay golaha wakiiladu ka ansixinayaan.

Arrintanina waxay ina xusuusinaysaa tallaabadii ay golihii hore ee Wakiiladu qaadeen horraantii sannadkii 2004, kadib markii Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Ing. Jiciir uu cashuurtii dawladda hoose qaadi jirtay uu ku kordhiyay saddex laab, taas oo ay golihii hore ee wakiiladu amar ku bixiyeen inuu Maayarku ka noqdo tallaabadaas uu cashuurta ku kordhiyay, dadkana ka qaado cashuurtii hore looga qaadi jiray, iyagoo golahaas ugu hanjabay maayarka inay maxkamad soo taagi doonaan maadaama uu jebiyay qodob dastuuri ah, sidaasna uu Maayarku dib ugu soo celiyay in dadka laga qaado cashuurtii hore.
 

Top


Wada-Hadaladii Kooxaha Maxaakiimta Iyo Mbagathi
Ee Khartoum Oo Burburay

Khartoum, November 2, 2006 (Haatuf) – Wada-hadalo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo labada kooxood ee Maxkamadaha Muqdisho iyo Dawladda Mbagathi oo la filayay inay ka furmaan magaalada Khartoum ee dalka Sudan bishii 30-keedii ayaa burburay kadib markii ay labada dhinac diideen inay isku soo horfadhiistaan miiska wada-xaajoodka.

Wada-hadaladan oo ay hogaaminayeen Jaamacadda Carabta iyo dawladda Kenya oo wakiil ka ah urur-goboleedka IGAD, ayay dhexdhexaadiyaasha caalamiga ahi labadii maalmood ee u dambeeyay ku hawlanaayeen sidii ay uga badbaadin lahaayeen burbur ku yimaada wada-xaajoodka oo bilowgiisiiba laysku mari waayay madal laysugu keeno labada dhinac, laakiin isku-daygaas ayaa wuxuu fashilmay kadib markii ay weftiga Maxaakiimta Muqdisho uga qayb-galayay wada-hadaladaasi uu ku adkaystay mowqifkiisa ah inaan wax wada-hadal ahi dhexmari karin dawladda Mbagathi ilaa ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan dhulka Soomaalida. Sidoo kalena waxay weftiga Maxaakiimtu gaashaanka ku dhufteen inay dawladda Kenya ka mid noqoto hogaaminta wada-hadalada Khartoum.

Dhexdhexaadiyaasha wada-hadaladan ayaa xalay caweysinkii soo saaray bayaan ay ku sheegeen in dib loo dhigay wada-hadaladii u dhexeeyay Maxkamadaha iyo dawladda Cabdillaahi Yuusuf, balse may cayimin wakhtiga laysugu soo noqon doono wada-hadaladaas. Inkastoo weftiga ka socday xukuumadda Mbagathi ku adkaystay in la cayimo xilliga wada-hadalka dambe laysugu soo noqonayo, balse weftiga Maxkamadaha ayaan isagu wax diidmo ka muujin, waxaana la filayaa in kulan dambe laysugu soo noqdo badhtamaha bisha December ee sannadkan.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayay dimlomaasiyiinta Carabta, Afrikaanka iyo kuwa ka socday Qaramada Midoobay iyo kooxda xidhiidhka arrimaha Somalia, waxay dedaal weyn ugu jireen sidii ay labada dhinac isugu soo dhowayn lahaayeen, kuwaas oo inta badan kulamo joogto ah isugu imanayay ka hor intii aanay si gooni-gooni ah ugula kulmin labada wefti qolalka hoteelka waaweyn ee ay ka degan yihiin magaalada Khartoum.

Dhinaca kale waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in dagaal weyni ku dhex maro gudaha Somalia maleeshiyaadka Maxkamadaha iyo xukuumadda Mbagathi, iyadoo la sheegay inay labada dhinac soo dhoobeen ciidamo aad u farabadan degaanka Buur-Hakaba, waxaana lagu qiyaasay masaafadda ay labada ciidan ee labada dhinac isu jiraan ilaa tobaneeyo kiiloo mitir.

Ciidamada dalka Eriteriya oo ay weheliyaan dagaal-yahano Carab iyo Oromo ah ayaa la sheegay inay taageerayaan maleeshiyaadka Maxaakiimta, halka maleeshiyadda xukuumadda Cabdillaahi Yuusuf ay caawinayaan cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya, sidaas darteed waxaa laga cabsi qabaa haddii uu dagaal ka dhex qarxo labada dhinac inuu saamayn ku yeesho guud ahaan mandaqada Geeska Afrika.

Dhinaca kale warar laga helay ilo dimlomaasiyadeed ayaa sheegaya in maanta ahaan uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mbagathi Shariif Xasan Sh. Aadan shir jaraa'id ku qaban doono magaalada Nairobi, kaas oo filayo inuu kaga hadlo qodobo xasaasi ah oo saameyn wayn ku yeelan doona dawladda Mbagathi ee fadhigeedu yaha Baydhabo.
Shariif Xasan ayaa lagu wadaa inuu shirkaas jaraa’id kaga hadlo mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, wada-hadallada maxkamadaha iyo dawladda iyo weliba halka uu barlamaankiisu saldhig ka dhigan doono. Iyadoo sida wararkaasi sheegay Shariifka ay beryahan dambe kulamo kala duwan oo qarsoodi ahi ay u socdeen qaar ka mid ah madaxda sar-sare ee Maxkamadaha, waxaana la filayaa inuu maanta ku dhawaaqo in barlamaankiisu ay Muqdisho u guuraan, halkaas oo muddooyinkan dambe xubno farabadan oo baarlamaankaas ka mid ahi ka abaabulayeen inay fadhi ku yeeshaan Muqdisho oo ay xilka kaga tuuraan Cabdillaahi Yuusuf iyo ra’iisal-wasaarihiisa Cali Maxamed Geed.
 

Top


Maayarka Caasimada Oo Jawaabo Ka Bixiyay
Cabashooyin Qaar Ka Mid Ah Dadweynuhu Kaga
Cawdeen La Kulankiisa

Hargeysa, November 02, 2006 (Haatuf) – Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa cabasho xoog leh ka muujiyey la kulanka maayarka caasimada iyo ku xigeenkiisa oo ay sheegeen in wakhti badan kaga lumo amaba aanay u suuro gelin in ay la kulmaan, iyaga oo xusay in ay dhibaato badan oo la xidhiidha dib u dhaca hawlahooda uu soo gaadho inta ay hortuman yihiin xafiisyada labada masuul oo ay dadkaasi qaarkood sheegeen in ay 30 maalmood in ka badan ay ku qaadato.

“Bil iyo badh baan faylkaa yar la hortaagnaa xafiiska maayarka iyo ku xigeenkiisa, marka uu maayarku kaga sii tago xafiiska” sidaa waxa tidhi Faadumo Axmed Maygaag oo ka mid ahayd koox dadweyne ah oo maalintii doraad iyaga oo hortuban xafiiska maayarka caasimada kula kulmay wariye ka tirsan Haatuf oo halkaasi booqday. Waxanaay gabadhan iyo qaar ka mid ah dadkii kale halkaas joogay wariyaha u sheegeen cabashooyin la xidhiidha la kulanka maayarka iyo ku xigeenkiisa.

Faadumo mar la weydiiyey sababta ay ula kulmi wayday maayarka mudadaa faraha badan ee ay sheegtay in ay hortaagnayd xafiiska, waxay wariyaha u sheegtay in ay inta badan la kulmaysay maayarka oo xafiiskiisa ka mqan, balse dhawr jeer oo ay ku soo beegantay isaga oo jooga loo diiday inay u gasho ama la kulanto, waxaanay tidhi “Runtii inta badan waxa aan la kulmayay isaga oo maayarku ka mqan yahay xafiiskiisa oo mar la yidhaa wuu dhoofay iyo mar la yidhaa magaalada ayuu hawlo kaga jiraa, laakiin tiroba shan jeer ayaan ku soo beegmay oo aan imi maayarka oo jooga, waxaase ii diiday askartiisa oo ah qaar waji garasho ku sii daynaya dadka”.

Sidoo kale caaqil Aadan Axmed oo isaguna ka mid ahaa dadkaasi cabanayay ayaa u markhaati furey cabashada gabadhan oo ku tilmaamay mid dadka oo dhan wada haysata, waxaanu yidhi “Cabashada gabadhan maaha mid kaligeed ku kooban, waana runteed oo mid aniga iyo dad badan oo kaleba ku dhacda.

Khasaaraha iyo dhibaatada naga soo gaadha inta aanu daydaynayo maayarka iyo ku xigeenkiisa lama qiyaasi karo, waanay ka badan tahay muraadada sharciga ama xaqa aanu u leenahay ee aanu ugu socono ama nagaga xidhan nimankaasi marka la is barbar dhigo”.

Caaqil Aadan waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanada golaha degaanka qayb weyn ku leeyihiin cabashada dadkaasi, isaga oo ku eedeeyey xildhibaanada kuwa markasta mashquuliya maayarka, isla markaana ka lumiya dadka jaaniska ay kula kulmi lahaayeen maayarka.

Dhinaca kale, maayarka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo aanu wax ka weydiinay eedaymaha iyo cabashada dadkan ayaa dhinac iskaga duwey eedaymahaasi, waxaanu sheegay in aanay waxba ka jirin, isaga oo xusay in dadweynuhu leeyihiin maalmo ay la kulmaan, maalmahaas oo ku tilmaamay Maalinta Axada iyo Arbacada laga bilaabo 8:00am subaxnimo ilaa 12:00pm duhurnimo, todobaad kasta.

Sidoo kale maayarku waxa uu sheegay in aanay daruuri ahayn markasta la kulanka maayarku, balse ay jiraan siyaabo farabadan oo loogu dhiibo waraaqo ama fariimo iyo wax uu ku sheegay in ay leeyihiin jaranjarooyin.

Waxaanu maayarku isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Runtii waxa weeye todobaadkii laba jeer ayaanu la kulanaa dadweynaha, maalmahaasina waa Axada iyo Arbacada oo ka bilaabmaysa 8:00am aroornimo ilaa 12:00pm ee duhurnimo todobaad kasta. Dadweynaha laftigoodu waxa weeye mid kastaa waxa uu doonayaa in uu maayarka uun arko, taasina maaha daruuri oo hawlo intaa ka badan ayaa noo ooli karta ama aanu ku maqnaan karnaa, laakiin siyaabo badan oo ka duwan ayay dadku noola xidhiidhi karaan, qofku waxa uu doonayo waa in qoraal inta uu ku sameeyo u dhiibaa xoghaynta xafiiskayga, qoraalkaas hadii ay leeyihiin naloogama soo jawaabo anigaa qaladka leh, waayo dadka qoraalka iigu dhiiba xoghaynta maalin labaadkaba way helaan jawaabta,
Markaa waxaan dadweynaha leeyahay waxa aad ka cabanaysaan ama muraadadiina qoraal ku sameeya oo xoghayntayda iigu dhiiba, wax waliba waxay leeyihiin system shaqo, markaa dadku ha barteen nidaamka shaqada hadii markaa laydinka soo jawaabi waayo khaladkaasi aniga weeyaan”.

 


ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Warancade Ma Wuxuu Ku Socdaa Inuu Harag Shabeel
Shaadh Ka Tosho Sidii Maputo Zeko-Zeko

Cali Maxamed Warancade intii uu xukuumada Somaliland xilalka ka qabtay waxa u gashay bulshada dhexdeeda been yar oo fakatay, beentaas oo ah inuu wax qabad ku sameeyo wasaaradaha uu wasiirka ka noqdo.

Haddaba, faaqidaadan aynu ku eegno wasaaradaha uu qabtay, wixii uu ka qabtay iyo wixii iskii uga gacan-qabsaday.

Wasaarada ganacsigu, waa wasaaradii u horeysay ee uu wasiir ka noqdo sanadkii 1995-kii, wuxuu bilaabay mashruucii cumlada oo ay ku khasaareen kuna kaceen ugu yaraan 800 oo qof oo tijaartii dhexe Somaliland ka mid ahaa iyo bakhaarley iyo hudheelaydii, markii sidii shuuciga loo gooyey qiimaha ay wax ku iibinayaan waxa lagu waayay oo meesha ka baxay malaayiin dollar oo ay dadkaasi ku baayac-mushtarayn jireen, waxaana dayn loo raacay xukuumada Somaliland ee madaxweynaha uu ka ahaa alle haw naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal.. Markay intaasi dhacday ayuu arkay Marxuum Cigaal in aanu soconayn mashruucan cumlada ee Warancade. Sidaas ayaanu ku amray in la joojiyo
Mr. Warancade mashruucaas wuxuu ka samaystay hanti ma guurto ah, isaga oo ka dhistay guryo iyo beertii xayawaanka, hanti badana wuu ka urursaday, waxaanu dhaqday libaax iyo harimo-cado maalintii cuna hilib iyo caano qiimahoodu aad u badan yahay oo ay ku noolaan kari lahaayeen dad badan oo danyar ahi.

Wasaarada waxbarashada iyo ciyaaraha, ma jirto wax manhaj ah iyo waxa uu ku soo kordhiyey intii uu xilka hayay, laakiin laba qodob oo uu lacag ku urursado ayuun buu sameeyey, labadaas oo kala ah, isaga oo ardayda dugsiyada dawlada ku kordhiyey Fee-gii laga qaadi jirey iyo isaga oo juwano lacag lagu ururiyo oo ciyaaraha u samaystay garoonka Hargeisa Stadium, garoonkaas oo NGO’s wadaniya ku dhiseen iskaa wax u qabso, badhna ay dhistay hay’ada UNICEF. Isaga oo doogii garoonka loogu talo galay in lagu beero ee ay qurba jooga yurub ee Somaliland soo direen ku beertay gurigiisa.

Wasaaradda Warfaafinta; waxa dad badani aaminsan yihiin inuu isagu dhisay Dayrka weyn ee lagu wareejiyey Idaacada Radio Hargeysa, taasina uu ku kasbaday sumcad yar, iyada oo sida la wada ogyahayna Warancade uu la kulmay uun Jaanis aanu fikirkeeda keenin, uguna yimid jaajuur, dhagax iyo ciid wasaarada yaala oo uu sii diyaariyey wasiirka ka horeeyey ee wasaarada warfaafinta Muuse Inji oo dadweynaha reer Hargeysa ka soo ururiyey laba-laba xabo oo jaajuur ah, lawdhadh ciid ah qofkii karaya, xabad sibidh ah , iyo tijaartii oo bixisay lacagtii gacanta , oo iskaa wax u qabso ahayd oo xitaa ardaydii iskuuladu kaga qayb-qaateen nusasaacahoodii, ayaa isaga oo aan wasiirkii hore dayrkii idaacada dhamaystirin la bedelay oo Warancade loo magacaabay wasiirka wasaarada, isaguna xaal-xaalkii ka hadhsanaa ayuu ku dhamaystiray dayrkii idaacada, taas oo dadka badankiisuna aamisan yahay inuu Warancade dhisay, xaqiiqduna tahay in aanu Warancade dhisin oo uu Muuse Inji dhisay, arintaasina tahay been fakatay runi ma gaadho.

Xafiiska xidhiidhka Madaxweynaha iyo Bulshada, ahna la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada, intii uu joogay ma jiraan waxa uu qabtay oo dhamaystirmay, sida cabashooyinkii bulshada ee uu madaxweynaha u gudbiyey, laakiin xafiiskan oo loo yaqaan xafiiska Tahriibta ee loogu tahriibo madaxtooyada wuxuu wax ugu qabtay dad Tijaara oo uu dilaal ka noqday, sida arrimahan oo kale:

1. Wuxuu dhameeyey warqad muddo dheer hortaalay madaxweynihii hore ee geeriyooday, taas oo uu diiday, warqadaasna wuxu nuxurkeedu ahaa in Ganacsadaha Axmed Daahir Baxsane dawladu kala wareegto dhismaha sabbada ee uu ku leeyahay ka soo horjeedka dhismaha madaxtooyada, looguna bedelo sekeda guryaha dawlada ahayd ee ka soo horjeeda Baar-Hargeysa ee dhinaca bari kaga dhigsanayd xafiiska Mujaahidiinta Jimciyada Sooyaal, taas oo dadka ku jirina uu ganacsaduhu siiyo dhul ay degaan, halkaas oo arrintu markii uu dhameeyey Warancade uu ganacsaduhu ka dhisay Fooqa weyne, taas oo Warancade ka qaatay lacag dilaal ah boqolaal kun oo dollar ah.
2. Dilaalkii iibkii xerada Teraafikada ee hore looga iibiyey ganacsade Aadan Baradho, iyada sababta lagu iibiyey lagu sheegay in xerada Taraafikadu ku yaraatay, looguna bedelay geerashkii Iimay ee New Hargeysa oo uu Aadan Baradho lahaa, iyada oo aanay noqonayn taasi sabab macquul ah oo lagu iibiyo, waayo xerada Taraafikada ee hore ayaa ka weynayd geerashka Iimay oo xerada Taraafikadu may ahayn oo kaliya inta ay qolalku ka dhisan yihiin ee waxa kayd u ahayd dhul 200m ah oo liinka dhexdiisa ah oo loo dayray oo xaga dambe ee xerada taraafikada ku yaalay. Iyo iyada oo ganacsadihii meesha la wareegay uu dib uga sii iibiyey ganacsadaha kale ee la yidhaahdo Jaamac Oomaar, oo sheekada arintaas la xidhiidha ay wada ogyihiin dadweynaha reer Hargysa.

Wasaaradda Duulista iyo Hawada; oo uu ku cusub yahay oo muddo laba bilood oo kaliya joogay wuxuu ku soo kordhiyey inuu laba dollar ka qaado qofkii dhoofayay iyo kii soo degayayba, , lacagtaas oo lagu kordhinayo cashuurtii hore looga qaadi jirey, waxaanu u samaystay juwano yaryar oo kuwii Riwaayadaha lagu geli jirey oo kale ah, iyada oo cashuurtaa uu kordhiyeyna tahay sharci darro, maadaama aanay baarlamaanku ansixin, isla markaana aanay jirin lacag cashuureed oo ay wasaaradiisu qabataa intii ay wasaarada maaliyadu kala wareegtay lacagihii ay qaban jirtay wasaarada duulista iyo hawadu, waxaanay tani noqonaysaa inuu samaysto dakhli gacantiisa soo gala oo uu maamulo, taas oo aanay dadweynuhuna qaadi karayn.

Haddaba, musuqmaasuqa Warancade waxa kuu cadaynaya cadayntii Wargeyska Haatuf soo bandhigay ee ahayd cashuurta sharci darada ah ee uu kordhiyey, taas oo uu Warancadena aad uga cadhooday, isaga oo waliba cadaawad kula kacay Wargeyska oo yidhi Haatuf Hargeysa ha lagu gubo sidii Burco loogu gubay iyo yaan Haatuf la iibsan, isaga oo aan wasiirku eegin masuuliyada uu hayo iyo afka dawlada ee uu ku hadlayo oo la soo saftay Maxaakiimtii Muqdisho iyo kooxdii yarad ee Burco ku gubtay Haatuf, kuwaas oo lahaa maxaad Maxaakiimta wax uga qorteen, waana in Warancade maxkamada lagu saaraa arintaas.

Ugu dambeyn, waxaan leeyahay wax-qabadka lagu sheego Warancade waa been-fakatay oo suuqa oo u gashay, laakiin xaqiiqdu waa ninka kaliya ee wax ka qabsada hantida dawlada, waxaanu inyar u jiraa inuu sidii Maputo Zeko zeko shaadh ka tosho Haraga Shabeelka, waxaanay arrinta Warancade la mid tahay “Xamrahan Digaagee Dam Ka Siiyey Midhihii, Ninka Wadhaf la Deydayay Ma ha Duulin baad tidhi”.
Cabdiqaadir Maxamed Faarax, Hargeysa.


 


Shalay Zam-Zam maanta Xaawo: Xaggee baa loo kici
xaawalaydii loo soo gelyay!

Nin baa laga hayaa, “Cimrigaaga oo raagay geel dhalaayana waa ku tusaa!!”

Akhyarta jecel nabadda Somalinimada iyo asluub wanaagga diinta ku dhisan iyo xuquuqul-insaanka waxa ay shalay si wada jir ah cadaadis u saareen sii dayntii gabadhii lagu xidhay Jeelka Hargaysa ee Zamzam Ducaale Axmed. Gabadhaas oo sida la wada og yahay uu ka dhashay muran badn xadhigeeda.

Maanta waxa jeelka Boosaaso ku xidhan dhibane Xaawo Xusseen Xandule. Waxa lagu war helay in ay Maxkamadi ku xukuntay 5 sanadood oo xadhig adag ah. Xaawo waxa ay gaadhay gabadh ay walaalo yihiin oo Boossaaso lagu qabo (Mr. Faadumo Xusseen Xandule). Xaawo waxa lagu eedeeyay in ay basaasad u tahay dawladda Somaliland oo loo soo dirsaday hawlo la xidhiidha dhinaca mukhaabaraadka. Waxaana la xukumay iyada oo aanay jirin cid dhegaysatay dacwadda lagu qaaday iyo qareen u dooday midna.

Waxa laga yaaban yahay waxa gabdhihii iyo biri ma gaydadii ku saliday madax-ku-sheegta mooryaanta ah. Caqliga saliimka ahi ma rumaysan karo in ay Xaawo u socotay hawlo basaasnimo. Waayo waxaa-ban jirin wax laga basaaso Boosaaso oo cilmi iyo sir ah oo ay ku fadhido oo aan ka ahayn dad laga tahriibiyo oo badda lagu daadiyo. Taasna umay socon gabadha Xaawo. Waxa lagu jidh-dilay jeelka Boosaaso. Faro-xumayn-na waa la sheegayay!

Haddii shalay loo arkayay in lagu gefay gabadha hore Marwo Zamzam Ducaale oo la wada qayliyay maxaa loogu sii wadaa gef kale oo galaafan kara kuwo kale oo aan dembi lahayn. Waayo xadhiga Marwo Xaawo waxa la caddeeyay in uu lug ku leeyahay arrimo la xidhiidha aar-goosi loogu aargudayo gefkii loogu geystay Zamzam Ducaale Hargeysa. Haddii ay arrintu sidaas noqoto waa mid dhibaatadeeda leh oo noqon kara tusbax furtay oo ay halkaas ku gacan geli doonaan gabdhihii Somaliyeed ee sharafta iyo milgaha-ba mudnaa.

Waxa Somali ku dhacay ma yara ee habaar ah! Ma haday ka wadi weyday dadkii waaweynaa ee mas'uuliyiinta ahaa in ay ku soo hoos noqdaan hablihii yaryaraa ee maxaysatada ahaa. Dadka balanbalay ee hoogay, qoysaska kala lumay, qaraabada kala fogaatay in la isu baafiyo mooyee ma xaq baa in meelo cidlo ah lagu xidho oo xaalkooda uu Illaahay ogyahay marka la eego caqliga gacanta ku hayo kan uu yahay ee la garanayo.

Arrintaas lama filayo in ay xattaa Marwo ZamZam Ducaale raali ka tahay in loogu aar-gudo gabadh walaasheed ah oo ay isku bilis-xaawalay yihiin oo dhibaato loo geysto ay iyaduba soo argtay.

Waxa halkan baaq loo soo jeedinayaa dhammaan inta xaqa u hadasha, qaryaqaanada Somaliyeed, kuwa u ololeeya xuquuqda Insaanka ee heer gobol iyo heer caalami iyo Marwo Zamzam laftarkeeda in loo guntadu sidii looga sii dayn lahaa jeelka Boosaaso Marwo Xaawo Xussein Xandule oo looga fara maroojn lahaa daaquudyada xaq-darada ku haysta gabadha yar ee miskiinta ah ee aan dembiga lahayn.
Wa Allaahu Al-Muwafaq.
Ducaale Hadal-wanaaje II
 

Top