Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1254 Nov.7, 2006

Shirgudoonka Wakiilada Oo Sheegay In Mudanayaasha
Fadhiyada Ka Maqnaada Mushaharkooda Laga Goyn Doono

Djibouti Oo Noqotay Dawladda Bariga Iyo Geeska Afrika Ugu Iibsashada Badan Hubka Maraykanka

Dagaal shalay Ku Dhexmaray Degaanka Gelinsoor
Maleeshiyaadka Maxkamadaha Iyo Majeerteenya

Dib-U-Celinta Markabka Shidaalka Ee Al-Xarbi,
Ma Tahay Godob Kale Oo Madaxweyne Rayaale U Soo Jiidey Reer Boorama?
Faallo - Maxamed Cumar – Boorama

“Haddii Wasiirka Ganacsigu Aanu Awood u lahayn
Shaqadiisa, Oo ay Madaxtooyadu Maamusho
Wax Uu Qiima Leeyahay Ma Jirto”

Qarax Hub Iyo Saannad Kale Ah Oo Gilgilay
Sayladda Xoolaha Boorama

MA QALLOOCSHE

Baabuur Noociisu Yahay Markii Oo La La’yahay Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay

Ciraaq: Bandoodii Lagu Soo Rogay Oo Maalintii
Saddexaad Gashay Iyo Dareenada Laga Bixiyay Xukunkii Daldalaada Ee Lagu Xukumay Sadaam Xuseen

Ortega Oo Markii Afraad Higsanaya Inuu Ku Guulaysto Jagada Madaxweynanimada Dalka Nicaragua

ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Wasaarada Waxbarashadu Yaanay il Duufin Baahida
Waxbarashada Gobolka Saaxil


Shirgudoonka Wakiilada Oo Sheegay In Mudanayaasha
Fadhiyada Ka Maqnaada Mushaharkooda Laga Goyn Doono

Hargeysa, November 7, 2006 (Haatuf) – Kalfadhiga 3-aad ee golaha wakiilada oo dib u furmay maalintii doraad, ka dib markii bishii Ramadaan hakad galay ayaa fadhigii shalay ee goluhu aanu qabsoomin markii uu koraamku u buuxsami waayay.

Fadhigii shalay oo uu gudoominayay ku-simaha gudoomiyaha golaha wakiilada, isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka 2-aad Baashe Maxamed Faarax oo ay ka soo qayb-galeen mudaneyaal tiradoodu gaadhaysay dhawr iyo labaatan mudane ayaa waxa uu ku-simaha gudoomiyuhu halkaasi digniin culus uga soo jeediyey mudanayaasha golaha wakiilada oo uu sheegay in wixii imika ka dambeeya mudanayaasha lagula xisaabtami doono ka maqnaanshaha fadhiyada oo uu sheegay in sida xeer-hoosaadka goluhu qabo lagu qaadi doono mudanayaasha ka maqnaada fadhiyada, isaga oo isla markaana halkaa ka sheegay in mudanaha cudur-daar la’aan iskaga maqnaada laga goyn doono mushaharkiisa mudada uu maqnaado fadhiyada. Waxaanu guddida joogtada ah ee golaha amar ku siiyey inay anshaxa xeer hoosaadka golaha mariyaan mudanayaasha ka maqnaada fadhiyada, isaga oo isla markaana mudanayaasha kula dardaarmay inay xil iska saaraan ka soo qayb-galka fadhiyada, isaga oo sheegay in ajandaha kalfadhiyada oo ay ku jiraan xeerar horyaala golaha oo muhiimad lihi loo baahan yahay in goluhu si dhakhso ah uga hawl-galo guda-galka xeerarkaasi.

Waxaana fadhigaasi baaqday mudanayaashii ka soo qayb-galay loogu qaybiyey saddexdii xeer ee ay golaha guurtidu dib ugu soo celiyeen iyo xeerka hay’ada badbaadada aafooyinka ee NERAD.

Top


Djibouti Oo Noqotay Dawladda Bariga Iyo Geeska
Afrika Ugu Iibsashada Badan Hubka Maraykanka

Nairobi, November 7, 2006 (Haatuf) – Dawladda Djibouti ayaa marka la barbar dhigo dalalka kale ee ku yaalla mandaqada Bariga iyo Geeska Afrika noqotay ta ugu iibsashada badan hubka Maraykanka, iyadoo 2005/2006 lacag lagu qiyaasay $26,000,000 (Lix iyo labaatan Milyan oo doollar) hub kaga soo iibsatay dalka Maraykanka.

Sida uu ku qoray Wargeyska “The East-African” cadadkiisii soo baxay shalay, November 6, 2006, dawladda Djibouti waxay si toosa dalka Maraykanka uga iibsatay hub qiimihiisu gaadhayo $20,000,000 (Labaatan Milyan oo doollar), halka lixda Milyan ee hadhay ay hub kaga soo iibsatay shirkado yaryar oo Maraynkan ah, kuwaas oo leh ruqsado ay hubka ku iib-geeyaan.

Dawladaha Bariga iyo Geeska Afrika, sida Djibouti, Eriteriya, Kenya, Rwanda, Uganda iyo Zambia, ayaa marka la isu geeyo sannadkii 2003 wax ka yar hal milyan oo doollar ku bixiyay hub uga yimid dalka Maraykanka, halka sannadkan 2006 hubka ay dalalkaasi kaga iibsadeen uu gaadhayo $25,000,000 (Shan iyo labaatan Milyan oo doollar) oo labaatan Milyan oo ka mid ah ay Djibouti Maraykanka hub kaga soo iibsatay.

Dawladda Itoobiya ayaa la filayaa inay iyaduna sannadkan 2006 Maraykanka ka soo iibsato $8,000,000 (sideed milyan oo doollar) oo hub ah, halka sannadkii 2005 ay Maraykanka hub kaga iibsatay waxaan dhaafsiisnayn rubuc Malyuun doollar.

Sharciga Maraykanka ayaa u fasaxaya dawladaha shisheeye inay si toos ah xadi cayiman oo hub ah uga iibsan karaan, iyada oo aan lagu xidhayn ogolaanshaha Baarlamaanka (Congress).

Sannadkii 2005 shirkadaha yaryar ee gaarka loo leeyahay ee ka ganacsada hubku, waxay mandaqada Bariga iyo Geeska Afrika ka iibiyeen hub $15,000,000 (shan iyo toban Milyan oo doollar) ah oo $9 milyan oo ka mid ah ay lahayd dawladda Uganda, 6-da Milyan ee kalena ay dawladda Djibouti hub kaga iibiyeen.

Wargeyska “The East African” waxa kale oo uu qoray in dawladda Maraykanku ay diyaarisay qorshe ay Qaaradda Afrika ugu samaynayso Talis ciidan oo gaar ah oo la yidhaahdo “African Command”, kaas oo laga xukumi doono ciidamo ay dawladda Maraykanku ugu talo-gashay Qaaradda Afrika, oo u hawl-geli doona sida Talisyada kale ee Maraykanka u qaabilsan mandaqadaha caalamka ee kala ah; Yurub (European Command), Badweynta Baasifiga (Pacific Command) iyo Bariga Dhexe (Central Command).

Top


Dagaal shalay Ku Dhexmaray Degaanka Gelinsoor
Maleeshiyaadka Maxkamadaha Iyo Majeerteenya

Gaalkacayo, November 7, 2006 (Haatuf) – Dagaal ayaa shalay subaxnimadii ku dhexmaray Maleeshiyaadka Maxkamadaha iyo kuwa Majeerteenya oo ay weheliyaan maleeshiyo uu leeyahay hogaamiye-kooxeedka Cabdi Qaybdiid, degaanka Gelinsoor ee ka tirsan gobolka Mudug.

Sida ay sheegeen warar aanu ka helnay Muqdisho, masuuliyiinta Maxkamadaha ay dagaalkan ku eedeeyay inay ku soo qaadeen maamul-goboleedka Puntland fadhiisin ay maxkamaduhu ku lahaayeen meel u dhow tuulada Gelinsoor.

Shir Jaraa’id oo uu shalay magaalada Muqdisho ku qabtay Yuusuf Indha-cadde oo Maxaakiimta Muqdisho u qaabilsan Ammaan, ayaa sheegay in maleeshiyaadka maamul-goboleedka Puntland iyo kuwo Cabdi Qaybdiid ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyo Maxkamadaha ah, hase yeeshee wuxuu xusay in weerarkaas ay dib iskaga caabiyeen, isagoo ku eedeeyay masuuliyiinta Puntland inay Maxkamadaha dadka u tusayaan inay yihiin qabiil doonaya inay qabsadaan qabiil kale, taas oo la doonayo buu yidhi Indha-cadde “in layskaga horkeeno shacabka ku dhaqan gobolka Mudug ee kala taageera Maxkamadaha iyo Puntland.”

Yuusuf Indha-cade waxa kale oo uu sheegay inaanay Maxkamaduhu duulaan ku ahayn Puntland, waxaanu sheegay in maleeshiyaadka labada dhinac ay isu muuqdaan, balse ay kuwooda ku amreen inaanay wax tallaabo ah oo ay kaga jawaabayaan weerarka lagu qaaday kaga jawaabin.

Waxa kale oo uu Yuusuf Indha-cadde cadeeyay inay Maxkamaduhu taageersan yihiin Maxkamadii dhowaan lagaga dhawaaqay waqooyiga Gaalkacayo, taas oo uu sheegay inay horseed u tahay Maxkamado kale oo dhowaan lagaga dhawaaqi doono Puntland, isagoo ugu baaqay shacabka, madax-dhaqameedyada iyo Salaadiinta reer Puntland inay ka hor tagaan dhibaato uu sheegay inuu wado Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, waxaanu Yuusuf Indha-cadde xusay in haddii ay Maxkamaduhu doonayaan inay ku duulaan Puntland aanay afar bilood iska joogeen gobolada dhexe, balse wuxuu sheegay in qorshaha Maxkamadaha ee ku waajahan maamul-goboleedka Puntland ay tahay in ay ka timaado dhinaca shacabka Puntland, kadibna ay Maxkamaddu taageeri doonaan Maxkamadaha halkaas lagaga dhawaaqi doono.

Dhinaca kale, wasiirka Horumarinta Reer Miyiga ee maamulka Cadde Muuse, oo magaciisa la yidhaahdo Cali Cabdi Awaare, ayaa sheegay in eedaynta Maxkamaduhu ay tahay mid lagu doonayo in Puntland lagu soo weeraro. “Waa wax lala yaabo eedaymaha noocaas ahi, waayo, annagu ma nihin weerar ee waxaanu nahay difaac,” ayuu Mr. Awaare.

Sidoo kale, Madaxweynaha Majeerteenya, Cadde Muuse, oo shalay ka hadlayay xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka Mudug ayaa sheegay inay ka hor tagayaan weerar kasta oo kaga yimaada Maxkamadaha Muqdisho, kuwaas oo uu ku tilmaamay dad ku gabanaya diinta Islaamka, balse uu ku sheegay inay yihiin qabiil, sidaas darteed buu yidhi Cadde Muuse “Dagaalkani maaha mid diineed ee waa mid qabiil, waxa qudha ee laga raba dadka reer Puntlandna waa inay difaacaan dalkooda oo lala maagan yahay qalalaase iyo fowdo dhexdooda ah. Waar Illaahay qalbiga idinka qaadye, waa afartan nin oo keliya ee miyaa layska celin kari waayay xagan iyo xagaas ayaa nalagaga soo socdaa uun baad haysaane waar xageed tiigsanaysaan.”

Top


Dib-U-Celinta Markabka Shidaalka Ee Al-Xarbi,
Ma Tahay Godob Kale Oo Madaxweyne Rayaale
U Soo Jiidey Reer Boorama?
Faallo - Maxamed Cumar – Boorama

Waxa maalmahan dadka shacbiga ah ee reer Somaliland, ganacsatada, golayaasha qaranka iyo warbaahinta madaxabannaani hadal hayaan dembiyo kale oo xukuumadda Rayaale ka gashay qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland kaddib markii shirkada shidaalka TOTAL ay diidday in shidaal ay leedahay shirkadda Al-Xarbi lagu shubo haamaheeda kaddib markii ay Total iyadu shidaalkeedii ka buuxsatay haamaha ku yaalla dekedda Berbera.

Arrintan oo mar kale buuq iyo cadho ka abuurtay laamo ka tirsan dawladda iyo ganacsatadaba, ayaa weli la garan la’yahay waxa keenay in masuulka ugu sarreeya dalka lagu eedeeyo inuu ganacsatadaas Al-Xarbi shidaalkii ay debedda ka soo iibsadeen loo diido inay dalka soo geliyaan, iyadoo la ogyahay xeerkii ammuurta shidaalka ay dawladdu ka soo saartay bishii June ee sannadkan, wakhtigaas oo shidaalku dalka gabaabsi ku noqday, xukuumadduna sida la sheegay ay u fasaxday in ganacsatada reer Somaliland meel kasta shidaal ka keeni karaan.

Ilaa imika lama sheegin hadal kale oo xukuumaddu ku beddeshay hadalkeedii waagaas, ama amarro kale oo ganacsatada loogu diidayo inay shidaal dalka soo geliyaan wax aan ka ahayn Total.

Haddaba markaad eegto hadalada ka soo baxaya golayaasha qaranka qaarkood, shirkadda iyada shidaalkeedii dalka loo diiday iyo dareenka shicibka arrintaas maqlay ayaa waxay markiiba iftiiminaysaa inay dalka ka jirto kala eexasho ku salaysan mucaarad, muxaafid, qabyaalad iyo sifooyin kale oo loo cuskado qofka ama shirkadda la doonayo in dhibaato loo geysto ama la naasnuujiyo.

Dalkan Somaliland oo leh sharci iyo dastuur lagu kala dambeeyo, ayaa dastuurkeedu dhigayaa in ganacsigu yahay mid xor ah, muwaadin kastaana keensan karo ama dhoofsan karo badeecadaha uu isleeyahay macaash baad ka heli kartaa. Sida ka muuqata warbaahinta dalku waxyaalaha ay ka sheegayaan falkan la leeyahay madaxweyne Rayaale laftiisa ayaa shirkaddaasi ka joojiyey shidaalka inay dalka keenaan, waa arrin ku cusub ganacsatada dalka, balse aan ku cusbayn sida xukuumadda Rayaale ugu tumanayso sharciga dalka u yaalla.

Marka la soo dhaafo dastuurkeenna, reer Somaliland waxay leeyihiin degaammo kala duwan, gobollo, beelo, madaxdhaqameeyo, salaadiin iyo nabad-doonno sharciga dalka u yaalla ku soo dabbaala beesha ardaayadeedu jebiyaan sharcigaas. Dhinaca kale xukuumadda Somaliland ayaa lafteedu shirweynihii Boorama ee dib-u-heshiisiinta beelaha Somaliland lagu saleeyey saami qaybsi beeleed. Marka laga yimaaddoo Dastuurka waxa kale oo golayaasha qaranka sida guurtida oo kale ku salaysan yihiin beelo iyo gobollada reer Somaliland.

Shirkadda Al-Xarbi oo xubnaheedu ama maamulayaasheedu ka soo jeedaan beel ka mid ah beelaha Somaliland, ayaa dhinaca kale madaxweyaha laftiisa loo tirin karaa inuu ka soo jeedo gobolka Awdal, gaar ahaanna beel ka mid ah beelaha reer Awdal sidaa darteedna waxa laga yaabaa in dhibta soo gaadhay shirkadda Al-Xarbi dad badani oo reer Somaliland ahi u qaadan karaan in Madaxweyne Rayaale u jeedo inuu ku xad-gudbo ganacsatada beel ka mid ah beelaha Somaliland, sidaa darteedna ay dhici karto in dareenkooda kula jeestaan reer Boorama.

Waxay xubnaha ama ganacsatada dhibtu ka soo gaadhay maamulka Rayaale u nisbayn karaan in dhibaatada soo gaadhay ay tahay mid lug ku leh arrimo siyaasadeed, maadaama rag badan oo ka tirsan axsaabta mucaaradku ka soo jeedaan madaxda beesha shirkadda Al Xarbi, sidaa darteedna dareen aan dan u ahayn madaxda iyo ganacsatada reer Boorama ee joogta dalka intiisa kale.

Inkastoo wasiirka ganacsiga Somaliland maamulka shirkadda Al Xarbi ku eedeeyey inayna fasax u haysan keenista shidaalka oo ay wasaaraddiisu bixisay, waxa uun loo qaadan karaa in hadalka wasiirku yahay mid uu kursigiisa ku ilaashanayo, sidaa darteedna ay khasab ku tahay inuu daafaco xukuumadda Rayaale iyo falka la sheegay in lagu joojiyey shixnadda shidaalka ah ee ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha ganacsi ee caanka ka ah Somaliland.

Sida ay warbaahinta dalka u sheegeyaan masuuliyiinta shirkadda Al Xarbi, ma jirto meel ay sharciga dalka kaga taallo in liisan gaar ah loo qaato shirkadda Total. Markaad eegto isku tuurtuurka sharcinimada ama sharci la’aanta xukuumadda iyo shirkadda Al Xarbi waxay dad badani dareemi karaan inuu jiro shaki ay xukuumaddu ku doonayso inay meelmarsato tallaabooyin ay ganacsatadaasi Al Xarbi ku beegsanayso, ama khasaare ugu geysato.

Ugu dambayntiina dhacdadani waa tii ugu dambaysay ee ka soo biirta maamul-xumada iyo tacaddiga xukuumadda Rayaale ku hayso ganacsatada, inkastoo dhibaatadaasi awal ku ekayd uun dhinaca shicibka, waxanad mooddaa in mar kasta oo xukuumaddu dhibaato abuurto ay doonayso inay shicibka ku ilawsiiso dhibaatooyin kale oo xukuumadda laga doonayey inay soo dedejiso xalkeeda. Inkastoo dadweynaha gobolkani badankoodu sax iyo khaladba ku taageeraan xukuumadda Rayaale, haddana waxaad mooddaa inay dhinaca kale ilawsanyihiin in dhibaato kasta oo shicibka ka baxsan gobolka Awdal ay xukuumadda Rayaale u geysataa ay natiijadeedu noqon karto mid aanay reer Awdal ku farxaynin, sidaa darteedna ay habboontahay in xukuumadda Rayaale dhibaatada ka deyso ganacsatada iyo dadweynaha kale ee gobolada kale, kuwaas oo magaca iyo sharafta dadweynaha gobolkan ku doortay nin aanay hore aqoon ugu lahayn.

Top


“Haddii Wasiirka Ganacsigu Aanu Awood u lahayn
Shaqadiisa, Oo ay Madaxtooyadu Maamusho
Wax Uu Qiima Leeyahay Ma Jirto”

Wasiirkii Hore ee Ganacsiga Iyo Wershadaha, Nuux Sh. Cumar Sh. Muuse Ducaale
Hargeysa, November 7, 2006 (Haatuf) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga Nuux Sh. Cumar Sh. Muuse Ducaale ayaa sheegay in awooda shirkadda Total ugu diiday shirkadda Al-Xarbi inay shidaal keento tiiyoo haysata liisankii dhoofinta iyo soo-dejinta ee wasaaradda Ganacsigu ay tahay mid ay ka haysato dhinaca Madaxtooyada Somaliland, isla markaana waxa uu xusay in wasaarada Ganacsiga iyo wasiirkeeduba aanay haba yaraatee lahayn wax awood ah oo ay wax kaga qaban karaan waxyaabaha ay ku dhaqmayso shirkadda Total si Total ee gacanta ku haysa Haamaha shidaalka dalka.

Sidaana waxa uu Nuux Sheekh ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qaybtay Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha muranka ka dhexeeya shirkadda Total iyo shirkadda kale ee wadaniga ah ee Al-Xarbi ee ku saabsan shidaalka, waxaanu ugu horeyn Nuux Sheekh hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi: “Anigu shir jaraa’iid oo aan hore u qabtay, waxaan mawduuciisa ka dhigay wadanka Somaliland Madaxweyne waxa ka ah shirkadda Total, waxaana ka markhaati kacaysa hadalkii aan maalintaa lahaa ta maanta dhacday inay iyadu (Total) madaxweyne ka tahay dalka. Markaan dib ugu soo noqdo, aniga [Nuux] iyo wasiiradii iga horeeyey markaanu ka hadlayno shidaalka iyo Total dhibaatada ka taagan iyo sida ay awooda u leedahay ee ay madaxtooyadu u maamusho waxa laga yaabaa inay dad badan is yidhaahdaan markii wasiirka la eryey buu waxaas ka hadlayaa, Aniga (Nuux) way igu yidhaahdeen kuwii iga horeeyeyna way ku yidhaahdeen, maanta waxa illaahay mahadii ah haddii la arkay dhibaatada ay inagu hayso Total iyo ceebteeda waxa alaaliyo wax ummadda laga dhageysanayey may jirin, maantase way cadaatay,” ayuu yidhi Nuux Sheekh.

Wasiirku isagoo ka hadlaya shirkii jaraa’id ee uu dorraad qabtay wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax waxa uu yidhi: “Wasiirka Ganacsiga ayaa shir jaraa’id shalay [dorraad] ka hadlay, wasiirkaasi mawqifkii aan anigu [Nuux] taagnaa ayuun buu taagan yahay, waayo, shidaal uu isagu awood u leeyahay inuu wax ka qabto ma jirto, markay qasantana waxa la odhanayaa wasiirka Ganacsigu ha ka hadlo. Markaa wixii aan anigu samayn jiray ayuun buu samaynayaa, markaa isagu wax awood oo uu u leeyahay arrintaas shidaalka ah ma jirto.”

Nuux Sheekh waxa kale oo uu cadeeyay inaanay jiin ruqsad shidaal keenis oo qofka la siiyo, balse ruqsaddu ay tahay tahay uun ta wax soo dejinta iyo dhoofinta, waxaanu yidhi: “Ruqsad lay isa siiyaa oo la yidhaahdo shidaal buu ruuxaasi keenayaa ma jirto, laakiin ruuxu waa inuu haystaa liisanka soo dejinta iyo dhoofinta, ka muhiimka ahi waa kaa.”

Waxa kale oo uu wasiirkii hore ee Ganacsiga Nuux Sheekh ka hadlay warqadda ogolaanshaha ah ee ay wasaaradda Ganacsigu u qorto shirkadda Total marka qof muwaadin ahi doonayo inuu shidaal dalka keeno, waxaanu yidhi: “Wasaaradda Ganacsigu waxay qofka siisaa wax la yidhaahdo “Permit” warqad oglaansho, taasina waxa weeye warqad wasaaradu Total u qorayso oo ay odhanayso ninkaa sidii uu ku keeni lahaa shidaalka la saxeexda, waayo, dee Total haamihii bay maamulaan, khiyaamada halkaa ku jirtaa waxa weeye shirkadda Total laba haamood oo qudha ayay shidaalka khaasatan u samaysatay, markaa inay cid kale soo gasho ma ogola.”

“Warqadda wasiirku [Cismaan Qaasim] qoray haddii aanay Total ka haysanin awood dhinaca Madaxtooyada, siday u soo diidi kartaa, liisanka wasiirka wasaaradda Ganacsigu bixiyay, waxa weeye taasi waa cadaan, wasiirkuna wax uu qiimo iyo awood u leeyahay ma jirto,” ayuu yidhi Nuux Sheekh, isagoo intaas raaciyay “Maanta shidaalka la diiday ee halkaas la leeyahay waa laga celinayaa waxa uu ka jaban yahay foostadiiba $6 (lix doollar) qiimaha Total ay inagaga iibinaysay, halkaa waxa aad ka arkaysaa in shirkadda Total ay tahay mid aan ciyaar ahayn ee ay iyadu dalka haysato.”

Ugu dambayntii Nuux Sheekh waxa uu ka hadlay ergadii la sheegay inay Madaxweynaha ugu tagtay sidii uu shirkadda Al-Xarbi ugu ogolaan lahaa inay shidaalka ku shubato Haamaha, balse la sheegay inuu Madaxweynuhu ku gacan saydhay, waxa uu yidhi Nuux: “Marka aan u soo noqdo arrintii ergada ee ay odayaasha iyo madaxda badani ergada ugu tageen Madaxweynaha ee uu albaabka ka xidhay. Markaa ninka Madaxweynaha ah ee dadkiisii doortay iyo shirkadda Total inta uu midba kafad saaray ay kafadii Total saarnayd la miisaan badatay, anigu ma garanayo meesha uu ku socdo, waxaanse qabaa inuu isaga laftiisu u baahan yahay gurmad, ninkan [Madaxweyne Rayaale] way masaxday oo wuxuu u baahan yahay in la saacido, waayo waxani wax loo adkeysan karo maaha, sidee anigoo Madaxweynihii wadanka ah aan u eegaa shirkad yar oo Ajnebiya oo wax khaasi naga dhaxeeyo, dadkii i doortayna u iloobaa, waxaanan qabaa maanta taasi haddii ay suurto-gasho Total in ay samayso, weligeed bay haysanaysaa waxyaabo ka waaweyn baana iman doona, waa haddii aan maanta laga gaadhin. Runtii waxaan hadalkayga ku soo koobayaa maanta haddii Total taasi u suurto-gasho, waxa weeye wax allaale iyo wax inoo hadhsan ma jirto, waa in aynu Total isu wada dhiibnaa oo qof waliba meesha uu doono haka soo galee sidii uu ugu shaqayn alhaa falawgeed qabtaa.”

Mar la weydiiyay Mr. Nuux Sheekh su’aal ahay “Muddo badan baad wasiirka Ganacsiga ahayd, wasaaradda intii aad joogtayna waxani way jireen, markaa hadalkaagani qiimaha uu samaynayaa maanta muxuu yahay, maadaama aad hore uga hadli wayday?” waxaanu isagoo Nuux Sheekh ka jawaabaya su’aashaas yidhi: “Waxaan u malaynayaa in hadalkaygii aan ku daray su’aashaas, maxaad markii hore uga hadli wayday waa su’aal nin kasta ku timaada, waxaanse leeyahay ninku haddii marka hore iyo marka dambeba ka hadlo midna lama rumaysanayo, laakiin maanta arrintan ayaa markhaati ka noqonaysa oo la rumaysanayaa.”

Top


Qarax Hub Iyo Saannad Kale Ah Oo Gilgilay
Sayladda Xoolaha Boorama

Boorama, November 7, 2006 (Haatuf) — Qarax ka dhacay Sayladda xoolaha lagu kala iibsado ee magaalada Boorama, ayaa dilay ugu yaraan shan neef oo adhi ah, isla markaana dhaawacyo u geystay kuwa kale kaddib markii uu qarax ka dhacay guri ku yaalla Sayladda.

Sida ay sheegeen warar ka soo baxay qaraxaasi oo ay ciidanka amniga iyo dadka deegaankaasi u xaqiijiyeen weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, waxa qaraxaasi oo dhacay abbaaro 8:dii fiidnimo ee habeen hore, uu ka dhashay kaddib markii uu nin deggan gurigaasi oo sida la sheegay maskaxda wax uga dhinnaayeen magaciisana la yidhaahdo Cabdi Faarax Aadan kula kufay faynuus uu sitay dabedeedna shamacii ku goglanaa gaastii iyo dabkiiba qabsadeen.

Ololkii dabkaasi dhaliyey ayaa sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa, waxa uu qabsaday hub nooca baasuuka ah oo yaallay gurigaas, kaddibna ay qarxeen rasaas kale oo taalay gurigaasi kana koobnaa saddex maqsin.

Tobannaan qof oo ku dhawaa guriga ayaa ka baxsaday qaraxa rasaasta kala duwanayd oo dhinac kasta u dhacaysay hase yeeshee lama sheegin cid wax ku noqotay oo aan ka ahayn adhigaas oo ku xeraysnaa xero guriga hortiisa uga dhisnayd.

Top


MA QALLOOCSHE

A. A. Garas

Halkani waa Maqalloocshe, maantana waxaan idiin hayaa qayb ka hadhay faaladii todobaadkii hore, waxaana qaybtan maanta u cinwaan ah:

Golaha Wakiilada iyo Golaha Maxaakiimta Maxaa Ka Dhexeeya?

Nin Somaliya ayaa laga hayaa Hashaasi inay sogsog daaqday dhogorteedaa sheegaysa, hal-ku-dhigaasna waxaan u cuskaday mudanayaal oo bayaan soo saaray iyo asalkaba mudanayaasha golaha wakiiladu cidday u wakiil yihiin.

Aniga oo xasuusan dhawaaqii Ismaaciil Cumar Geelle kal-shanaad ka sheegay BBC-da ee uu yidhi ‘Somaliland doorashooyinka ka dhici doona ayaannu u-dhex-qaadi doonaa si qadiyada midowga ay cid taageerto uga ay Somaliland’, hadalkaas oo aan mooday in uu ahaa digniin wacan oo laguu sheegay shirqoolka lagu samayn doono Somaliland, laakiin waxa la moodayay in cadawga Somaliland in doorashada walaaqisteeda ka faa’iidaysanayo, laakiin maan islahayn kooxda C/qaasin ayaa intay xisbiyada soo dhex-qaado oo isa soo sharaxdo qaadan mudane, haday isba soo sharaxaan ismaan lahayn cid baa dooran doonta, haddiiba la doorto ismaan lahayn aqlabiyaday helayaan, haday helaan ismaan lahayn shirgudoon bay noqon, haday helaan ismaan lahayn maqaaxi bay ku soo dooran saddex nin oon midkoodna weligii arag meel gole ku shaqeeyo iyo si uu u shaqeeyo toona, haday doortaan ismaan lahayn waxay la shir iman doonaan xeerar dawlada lagu dumimayo, haday laba yimaadaan ismaan lahayn dad baa ka aqbali doona oo ay ku badawsan doonaan cod baanu ku soo baxnay. Marka aan la saarayn waxaanay samaynin aan idiin tiriyo inta arrimood ee aan kula yaabo:

1. Waxay kalfadhigii ugu horeeyey ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka 2006, ha ansixiyeene waxay ku soo dareen kharash malyuunaad ah mushaharkooda waxay ka dhigteen shan malyan, halka Guurtidu yahay laba malyan iyo kab oo iyaguna aanay haynin, dawladna kala tashan, meel kalena aan laga qaadin. Kordhintaas lagu kabay waxay yidhaahdeen waa in loo kordhiyaa ciidamada iyo shaqaalaha dawlada. Waa ta kale ee 82-kii mutacalimiinta sheegttay marna kama doodin oo isma weydiin waar kharashkan halkee laga keenayaa? Hadii la waayo maxaa ka imanaya? Khatar intee le’eg? Intaas oo dhan iyaga oon isweydiin ayay soo ansixiyeen, welibana waxay soo daba dhigeen anagu ansixinaye waa in la siiyaa, hadii kale diidaan. Xiligaas waxay ku beegnayd bishii June oo kooxaha maxaakiimtu Xamar kacdoonka ka abaabulayeen, wakiiladuna waxay dhigayeen kaartadii kacdoonka ku dhalan lahaa. Waxay filayeen inay ciidamadu xeryaha ka soo dareeraan, shaqaaluhu shoobaro ku dareeraan oo maamulku sidaa ku dhaco.
2. Xiligii labaad waxay bilaabeen guurtidu waa sharci-darro, waxay ula jeedeen inay baabi’iyaan golahaasi si dalka u baaba’sadaan oon cidi uga dambaynin, imikana waxay bilaabeen inay golihii iska xidhaan, shirgudoonkiina dibadaha safar gacanmaris ah ku kala bixiyaan, mudanayaashii kalena waa kuwaa kolba shirkad yari kiraysanayso ee baaqa cambaareynta ah ka soo saaraya. Ma oga mudanaha cid gaar ah u shaqaynaya ceebta uu leeyahay. Sideetankan mudane ha moodina rag shirkad shidaal u doodaya, waxay horeba u doonayeen cambaareyntooda. Baaq ay dhowaan soo saareen waxay ku yidhaahdeen waxay xukuumadu raacsan tahay C/laahi Yuusuf, ujeedadu waa taageero maxaakiimta ah.
Marka la eego siyaalaha golayaashu u shaqeeyaan lama arag sideetan mudane oo iyagoon xukuumadooda u yeedhin oo waxba weydiinin bayaan cidlo ka soo saara. Iska daa xildhibaane xataa xafiisyada xisbiga ayaa ka khajila inay arrin dhinac kaliya baaq ka soo saaraan. Xataa wariyeyaasha ayaa og in warkooda ay labada dhinacba wax weydiiyaan. Sida mudanayaashu isu qabaan lama arag cid sidaa u shaqaysa oo fudaydkaas leh.

Haday mudanayaashu yihiin kuwo dalkooda, dadkooda iyo dawladooda daacad ugu shaqaynaya, xilligan oo la ogyahay hindisaha kooxaha Somaliya damacsan yihiin inay iyaguna khalkhal u bilaabaan, sidaas awgeed goluhu wuxuu ahaan jirey sharci dejin, laakiin wuxu noqday sharci-dumiye, waayo xeer aan dumin ahayn kuma arag. Iyaga iyo Maxaakiimtu waxay iska metelaan labaduba waxay neceb yihiin maamulka dalkooda ka dhisan, isku xilli ayay soo baxeen uulul amriga labadooduba waa neceb yihiin.

Labaduba waxay neceb yihiin:
- Nidaamka dawladahooda
- Waxay jecel yihiin qilaafka talada
- Labaduba waa dhalinyaro oo waxay neceb yihiin odayaasha
- Laduba waa bakhayliin oo waa ganacsato lacag jecel
- Labaduba Itoobiya waa ku kacsan yihiin
- Labaduba miidhiyaha waxay jecel in aan laga dacaayadayn ee iyagu uuni wax ku dacaayadeeyaan
- Kacdoonka waa jecel yihiin
- Labaduba waxay jecel yihiin in iska horkeenka dadka iyo maamulkooda
- Gacan marinta dibadaha dalka waa ka masa
- Labadooduba dadka ka soo horjeeda waxay ku eedeeyaan Laa-luush qaate iyo gaal’e, heshiisiinta ma aqbalaan
Intaas oo meselo ayay iska metelaan maxaakiimta Xamar iyo Golaha Wakiiladu.

Gabay
Daba dhilif casriya baa cod iyo
Cuudba loo huraye
Golihii cilmiga sheegan jirey
Caagleyaal noqoye
Caqli-waayaa ama cid kale
Daba carceeryaaba
Waa kuwaa cidlada kuugu
Qorey baaqa ceebta ahe
Codka dalabtaliyo waan aqaan
Curufka qaarkiiye
Carabkoodu wuxu raacsan yahay
Ciidankaa xamare
Carrigeena iyo way naceen
Curashadaa laanne
Cadaawahana waa jecel yihiin
Calan-waleyntoode
Cawaankii gumaystuhu wax badan
Cagaha saaraayey
Calankiyo xornimaduu heluu
Cudur ka qaadaaye
Cilladihii addoonsigu baraa
Ciriqu jiitaaye
Cuncun baa hayoo wuxuu rabaa
Cadihii quudheede
Cimrigiiba wuxuu xiisayaa
Cabid ahaantiiye
Caynka maanta loo dheelayiyo
Caadadan garane
Cirro waxaad tidhaahdaan kursigu
Ma aha cawdiine
Qaranimada ciiddiyo dhulkani
Caawin ma ahayne
Ciil iyo kartaa lagu dhisiyo
Cudud wallaalayne
Rag baa cududahoodii lafuhu
Caagan yihiin weliye
Ha colleysan teenno mid kale
Cidhibta haw taagin
Culimada fidnada doonaysiyo
Cadawga haw raacin
Canda dawlka xeerkiyo ka daa
Dhab u culays-saarka
Maamulkaa cidhiidhigu hayee
Kula yar cawllaatay
Taagyaridu ceeb maaha iyo
Cay wax kuu gale’e
Mucaaradad cilmiga kaashato
Ma lihid caar dhawre
Dantu caarid kaagama tagtiyo
Dawlo la ciqaabe
Wax la cunay dar baa sheegayoon
Maamul caaridaye
Kol hadaanay caawimo ka helin
Caalamkiyo wooldka
Citiraafna uu laalan yoo cidiba
Baal saarin
Dalkeedana cumlada maalgeshiyo
Ceeshba laga beerin
Dadkeedana caqliga garashidiyo
Ciirsi laga waayo
Baarlamaankii lagu soo cugtayna
Camo yahay waalan
Tijaartiisu coomaade toon
Caanad gelinaynin
Cashuurtiina lala garab maroon
Cawri laga yaabin
Tiiyoo intaas oo cadalan
Dhab ula ciiraysa
Ninka yidhi nin baa cuud dhaqdoo
Cunaya maalkeena
Cidluun buu xisaabshee ma jiro
Calafka gaws dhafay
Hadii aan allaha caadilki
Idinku caynaanin
Iga Walloon canaadkaa xisbiga
Lagu cokaaninin
Welibana curfiga baarlamaan
Caafimaad dhalinin.

Top


Baabuur Noociisu Yahay Markii Oo La La’yahay
Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay

Hargeysa, November 7, 2006 (Haatuf) – Habeenkii Isniintii abaaro 8:30-kii habeenimo ayaa degmada Koodbuur ee magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafada Xero-Awr laga hor-kaxaystay baabuur MarkII meel uu yaalay, kaas oo ilaa hada aan la garanayn halka loola kacay iyo cid la baxsatay toona.

Baabuurkan MarkII-ga ah oo markii la kaxaystay horyaalay guri ku yaal xaafada Xero Awr ee magaalada Hargeysa, isla markaana dirawalkii waday uu wada xidhay daaqadaha gaadhiga ayaa markaliya laga waaweyey baabuurkaasi goobtii uu yaalay, baabuurkaas oo Number-kisuna ahaa 18247 oo uu watay mulkiilaha baabuurkaasi la dhacay oo magaciisa la yidhaahdo Xasan Yaasiin Saban, kaas oo aanu wax ka weydiinay sida gaadhigiisa lagula baxsaday iyo sida shilkaasi ugu dhacayba, isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yidhi “Habeen hore saacadu markay ahayd 8-dii fiidnimo ayaan booqasho gaar ah ku tegay guri ku yaala xaafada Xero-awr, ka dibna gaadhigii waxaan hordhigay guriga hortiisii, waanan wada xidhay, furihiina waan la degay, nusa-saace ka dib ayay gabadh guriga joogtay igu tidhi waar gaadhigii waa la kaxaystay, waxaan u qaatay inay leedahay dhagax baa ku dhacay gaadhigaagii, ka dibna waxaan u soo baxay dibadii, mise waa baabuurkii oo goobtii ka maqan oo aan jooginba, isla markiiba ciidanada bileyska iyo saldhiga bileyska ee degmada Koodbuur ayaan ku war-geliyey dhacdada gaadhigayga lagula baxsaday ilaa hadana ma hayno meel uu jaan iyo cidhib dhigay gaadhigii, ilaa hadana waxaanu ku jirnaa baadi doonkiisii”.

Mar la weydiiyey cida la baxsatay baabuurka iyo waxa ay ku furteen ee ay ku kaxaysteen baabuurka, maadaama uu xidhnaa, waxa uu yidhi “Run ahaantii falalka noocan ah ee tuugada baabuurta lagula baxsanayo oo ah arin inagu cusub, hadana cida isku dayday inay gaadhiga la baxsato waxay ku talo gelaysaa wixii ay ku furi lahaayeen iyo aaladii ay ku kaxaysan lahaayeen, sidaas darteed aalad kasta oo ay adeegsadaanba baabuurkaygii waa lala baxsaday, waana la dhacay, ilaa hadana baadi doonkiisii ayaan ku jiraa, insha allaahu illahay baa soo dhoweyn doona”.
 

Top


Ciraaq: Bandoodii Lagu Soo Rogay Oo Maalintii
Saddexaad Gashay Iyo Dareenada Laga Bixiyay
Xukunkii Daldalaada Ee Lagu Xukumay Sadaam Xuseen

Baqdaad, November 7, 2006 (W. Wararka) – Maalintii saddexaad ayaa waxaa weli saaran inta badan dalka Ciraaq bandoo lagu soo rogay kadib markii maalintii Axadii Maxkamad ku taal magaalada Baqdaad ay xukun dil deldelaad ah ku xukuntay Madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq, Sadaam Xuseen, iyo laba nin oo kale oo uu mid ahaa nin ay xaga hooyo ka walaalo ahaayeen oo la odhan jiray Barsaan Al-Tikriiti iyo Cawad Xamad Al Bander oo ahaa Madaxii hore ee ciidamada Ammaanka Ciraaq, isla markaana waxaa weli soo baxay dareenada ka dhashay xukunka dilka ah ee Sadaam Xuseen lagu xukumay.

Magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad iyo laba gobol oo kale ayaa maalintii shalay laga khafiifay bandoodii lagu soo rogay, waxaana dadka rayidka ah ee lugaynaya loo ogolaaday inay isu socdaan, laakiin gaadiidka ayaan weli la ogolaan inay socdaa ilaa iyo maanta gelinka hore.

Wadooyinka magaalada caasimadda ah ayaa haawanayay oo aanay cidi socon labadii maalmood ee u dambeeyay, taas oo lagaga taxadarayay inay dhacaan rabshado laga cabsi qabay inay ka dhashaan xukunka dilka deldelaada ah ee Axadii lagu ridday Sadaam Xuseen.

Sadaam Xuseen ayay Maxkamaddu sheegtay inay ku cadaatay fal uu ku amray dilka 178 qof oo dadka Shiicada Ciraaq ah, kuwaas lagu laalay magaalada Dujail sanadkii 1982, waxaanay Maxkamaddu sheegtay in Sadaam iyo madaxdiisii sar-sare ay amar ku bixiyeen dilka dadkaas, kadib markii xubno ka tirsan Xisbigii shiicadda Ciraaq ee la odhan jiray Dawa ay isku dayeen in ay Sadaam ku dilaan magaalada Dujail Sanadkii 1982.
Xukunka dilka ah ee ay Maxkamaddu ku xukuntay Sadaam Xuseen ayaa la sheegay inay si degdeg ah racfaan uga qaadanayaan garyaqaanada difaacayay, iyada oo mar kalena dib loo dhegaysan doono kiiska Sadaam, waxaanay taasi u muuqataa inuu baajinayo racfaankaasi dilka lagu xukumay Mr Sadaam in hore loo fuliyo, iyadoo difaacayaasha Sadaam Xuseen laga rabo inay muddo bil gudaheed ku soo dalbadaan Racfaanka.

Sadaam Xuseen oo wakhtigan ah 69 jir ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in dilkiisa loo adeegsado iyada oo lagu ganayo Xabado, balse uusan doonayn in la dal dalo, hase yeeshee sida uu qabo sharciga u yaala wadanka Ciraaq ayaa waxaa uu ku xukumayaa in qofkii geysta falal ka baxsan Bini Aadantinimada in la dal dalo.

Markii uu ku dhawaaqey Xukunka Deldelaada ee Sadaam Garsooraha Sare ee Maxkamaddu, ayaa Sadaam waxaa uu ku dhaawaqey hadalo ay ka mid yihiin “ALLAAHU AKBAR” “ha noolaato Ciraaq”. Sidoo kale waxaa maantey uu xukun Xabsi daa’in ah uu ku dhacay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Ciraaq Daha Yaasiin Ramadaan isaga oo loo soo jeediyey eedeyn ah in uu ku lug lahaa dhacdadii Dujail.

dadweynaha dalka Ciraaq ayaa aragtida xukunkaas dilka ah ee lagu ridday Sadaam Xuseen ku kala duwaan, waxaanay mudaharaadyo iska horjeeda ay ka dhaceen meelo kala duwan oo ka mid ah dalka Ciraaq. Magaalada Tikriit ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Sadaam Xuseen iyo magaalooyin kale oo ay degan yihiin dadka Sunniyiinta ah, ayaa mudaharaadyo laga soo horjeedo xukunkaas dilka ahi ka dhaceen, halka ay mudaharaadyo lagu taageerayo xukunkaas ay ka dhaceen degaamada ay shiicadu degto, ee ay ka midka yihiin Sadri. Hase yeeshee degaamada ay dadka Sunniyiinta iyo Shiicadu wada degto ayaa iyaga ka hor intii aan xukunkaas lagu dhawaaqin bandoo buuxda lagu soo rogay, taas oo lagaga hortagayay iska horimaadyo dhexmara dadka shiicada iyo sunniyiinta oo ku kala aragti duwan xukunka Sadaam.

Sheekh Al Nadawi oo ah Madaxa Sare ee ururka Baygat ayaa isagu ku tilmaamay Sadaam Xuseen inuu noloshiisa ku noolaa geesinimo haddii uu dhintana uu ku dhimanayo geesinimo.

Dareenada laga bixiyay xukunka Sadaam
Ra'iisal-wasaaraha dalka Ciraaq Nuuri Maaliki ayaa isagu soo dhaweeyey go'aankii Maxkamadda Ciraaq xukunka Dilka deldelaada ah ku ridday hogaamiyihii hore ee dalka Ciraaq Saddaam Xuseen, waxaanu ku tilmaamay inuu xukunkani yahay mid xaq ah oo jawaab u ah xasuuqii dadka farabadan lagu xasuuqay ee uu geystay Sadaam Xuseen intuu xukunka hayey.

Ra’iisal-wasaare Nuuri, waxa uu intaas ku daray in Sadaam Xuseen oo keliya aanu geysan dembigan, balse buu yidhi ay geysteen dhammaan xisbigii Bacaska ee uu hogaamin jiray Sadaam, xisbigaas oo uu sheegay inuu hubka u qaatay cabudhinta shacabka Ciraaq, waxaanu sheegay in xukunkan ay u riyaaqeen dadkii sannadihii mugdiga ahaa ku khasbanaan jiray inay dadkooda la xasuuqay si qarsoodi ah u aastaan “Balse maanta waa u farxad inay arkaan dalka Ciraaq oo sharciga la soo hortaagayo kuwo dambiyadaas ka dambeeyay,” ayuu yidhi Maaliki.

Sidee loo arkay Dunida Carabta xukunka Sadaam
Dunnida Carabta ayaa si kala duwan looga arkay xukunkii Axadii lagu diray Saddaam Xuseen, waxaanay shacabka ku dhaqan dalalka Carabtu fikradihii ay ka dhiibteen ku soo bandhigeen dareeno kala duwan oo laga qabo xukunkaas, iyadoo inta dadweynaha carabtu ay u arkaan xukunka Sadaam lagu ridday mid la xidhiidha siyaasadda Maraykanka, kaas oo lagu beegay xiligan oo ay dalka Maraykanka ka dhacayso doorashooyin, iyagoo sheegay inay u arkaan mid la rabo in xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanku inuu ku kasbado codadka dadka Maraykanka oo tani guul weyn oo uu soo hooyay u tahay.

Madaxweynaha dalka Maraykanka George W. Bush ayaa isagu ku tilmaamay xukunkii Saddaam Xuseen inuu ahaa mid wakhti dheer la sugayey isla markaana uu taageersan yahay. Mr. Bush oo isagu hadda ka hor intii aanu dagaalka ku qabsan dalka Ciraaq, si gaar ah Sadaam Xuseen ugu dhaliilay inuu isku dayay inuu dilo aabihii George Bush 1aad oo ahaa hogaamiyihii Maraykanka ee Sadaam Xuseen ka saaray dalka Kuwayt.

Xog ururin ay warbaahinta dalalka Carabtu maalmihii ugu dambeeyay ku samaynayeen aragtiyaha ay bulshada Carabtu ka qabaan xukunka Sadaam lagu ridday, ayaa lagu sheegay in shacbiga Carabta intooda badani u arkaan xukunka Saddaam Xuseen mid lagu doonayo in sumcad loogu yeelo maamulka uu Maraykanku ka dhisay dalka Ciraaq. Hase yeeshee waxaa jira dad kale oo iyaguna taageersan xukunka dilka ah ee Saddaam Xuseen la ridday, gaar ahaan shacabka dalka Kuwait oo iyagu ku faraxsan in xukun noocan ah lagu xukumo hogaamiyihii hore dalkooda duulaanka ugu qabsaday.

Aragtida Hogaamiyeyaasha caalamka
Hogaamiyeyaasha dalalka Yurub ayaa iyagu si xoog leh uga soo horjeesta xukunka dilka deldelaada ah ee lagu ridday Sadaam Xuseen, kaas oo ah mid ka soo horjeeda inta badan dastuurka dalalka Yurub u yaalla, hase yeeshee waxay soo dhaweeyeen in xukun ciqaab ah lagu qaado hogaamiye dambi ka galay shacbigiisii oo xasuuq u geystay.

Ra’iisal-wasaaraha dalka Britain Tony Blair ayaa shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ku sheegay inuu ka soo horjeedo xukunka dilka ah ee lagu qaaday Sadaam Xuseen, balse waxa uu xusay in tani dunida xusuusinayso falalkii arxan darada ahaa ee muddo hore ka soo dhacay dalka Ciraaq iyo boqolaalkii kun ee uu Sadaam ku laalay dagaalada.

“Dawladda Britain way ka soo horjeedaa xukunka dilka ah, ka noqdo ka lagu qaaday Sadaam ama yaanu noqonine”, ayuu yidhi Mr. Blair.

Xukuumadaha dalalka Switzerland iyo Talyaaniga ayaa iyaguna sheegay inay ka soo horjeeda gebi ahaan xukunka dilka ah, iyadoo dhinaca kalena inta badan dalalka Yurub ay sidaas oo kale shaaca uga qaadeen inaanay ogolayn xukun dil ah oo ay Maxkamadi qof bina aadam ah ku riddo, balse ay haboon tahay in ciqaabo kale qofka loogu bedelo dambiga uu geystay.

Hogaamiyihii hore ee dalka Ciraaq Sadaam Xuseen, ayaa xukunka laga tuuray sannadkii 2003 kadib markii ay ciidamada Maraykanka iyo kuwo la xulifada ahi ay weerar ku qabsadeen dalka Ciraaq. Sadaam Xuseen oo 69 jir ahi, waxa uu ahaa Madaxweynaha wadanka Ciraaq sanadkii 1979 ilaa 2003.

Top
 


Ortega Oo Markii Afraad Higsanaya Inuu Ku Guulaysto
Jagada Madaxweynanimada Dalka Nicaragua

Managua, November 7, 2006 (W. Wararka) – Dalka Nicaragua oo ku yaala Qaarada Laatiin Ameerika ayaa shalay waxa ka dhacay doorasho loogu tartamayo jagada madaxweynenimada.

Doorashadan oo ay ku tartamayaan shan nin ayaa natiijooyinka hor dhaca ah ee ka soo baxay codadka ilaa hadda la tiriyey oo lagu qiyaasay 15% tiradii codadka ayaa waxa 40% ku hogaaminaya siyaaasiga Rug-caadaga ah ee la yidhaahdo Daniel Ortega, oo hore madaxweyne uga ahaan jiray dalkaas.

Mr Ortega ayaa markii afraad wuxuu higsanayaa inuu noqdo musharaxa ku guulaysta jagada madaxweynanimada, ninka ku soo xiga ragga la tartamaya oo lagu magacaabo Eduardo Montalegre, ayaa isaguna waxa uu ka helay tirada codadka ilaa hadda la tiriyey 33%.

Mr Ortega oo hogaaminayey kacaankii hantiwadaaga ee Nicaragua ere sanadihii horaantii sideetamaadkii ayaa mar uu ka hadlayay barnaamijkiisa siyaasadeed waxa uu yidhi: “Waxaanu soo afjari doonaa lix iyo toban sanadood oo ay dalka ka talinaysay xukuumad hanti-goosad badwaan ah”.

Mr Ortega, oo ka mida siyaasiyiinta garabka bidix ayaa waxa uu hogaaminayey dalkaa tobaneeyo sannadood, kaas oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda Maraykanka ayaa waxa uu gacan saar la leeyahay ninka sida weyn uga dhex muuqda Qaaradda Ameerika, madaxweynaha dalka Veneziela Hugo Chavez. Muddadii uu xukumayey Mr. Ortega ayaa waxa dalkaas ka dhacay dagaal sokeeye kaas oo u dhexeeyey ciidamadiisii Sandinista ah iyo falaagadii Contras taas oo uu Maraykanku caawin jiray waxaana ku dhintay dad gaadhaya ilaa konton kun oo qof mudadii ay dagaaladaasi socdeen.

Ninka ugu weyn ee la tartamaya Mr. Ortega ayaa waxa uu sheegay inay khaladaad jiraan xaga doorashada ah taas oo uu sheegay inaanay aqbali doonin. Waxa kale oo uu intaas ku daray in haddii uu ku guulaysto Mr. Ortega in dalkaasi dib ugu noqon doono maalmihii dagaaladii sokeeye.

Mr. Ortega ayaa waxa uu rajaynayaa inay taageeraan 80% inay codkooda siiyaan dadka reer Nicaragua, kuwaas oo heerka noloshooda ay soo gasho maaalintii ama hela .2 dollar ama ay ka hoosayso.

Mr. Ortega ayaa haddii uu ku guulaysto doorashadani waxa ay sii xoojinaysaa siyaasada inta badan wadamada Laatiin Ameerika iyo Cuba ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda iyo barnaamijka dhaqaale ee Maraykanka, kuwaas oo uu hogaamiyo Hugo Chavez oo ah madaxweynaha dalka Venezuela.
Dawlada Maraykanka ayaa waxay xooga saaraysaa inuu doorashada dalka Nicaragua ku soo baxo Mr. Eduardo isla markaana waxay ka soo hor jeedaan Mr Ortega.

Dalka Maraykanka oo si weyn uga soo hor jeedi jirtay kacaankii hantiwadaaga ee uu hogaaminayay Mr. Ortega xilligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka Nicaragua sanadihii sideetamaadkii ayaa si weyn isha ugu haysa natiijada doorashada ka dhacaysa Nicaragua, taas oo laga yaabo inuu ku soo noqdo xukunka dalkaas cadowgoodii hore ee dagaalkii qaboobaa.

Doorashadan waxaa dusha kala socda 17 kun oo goobjoogayaal caalami ah kuwaas oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka mr. Jimmy Carter.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Wasaarada Waxbarashadu Yaanay il Duufin Baahida
Waxbarashada Gobolka Saaxil

Marka hore Illaahay baa mahad leh marka xigana, waxaanu salaamaynaa dadweynaha reer Somaliland anaga oo ah dhalinyar u dhalatay gobolka saaxil maantana ay noogu horayso inaanu fikradayada ku cabirno saaxafadda madaxa banaan ee ka soo baxda dalkeena.
Intaa ka dib waxaanu ka hadlaynaa waxbarashada iyo dhibaatada ka haysata gobolka Saaxil, haddaba haddii aanu diirada saarno oo aanu xog-ogaal ahaana ugu warano akhristayaasha sharafta leh waxyaabaha ka jira gobolka Saaxil, tan iyo intii dalka lagu soo noqday waxa jirtay in waxbarashada dalku soo kobcaysay oo laga soo bilaabay geed hoostii, iminkana la marayo heer jaamacadeed, taas oo ay ugu wacan tahay nabadda Illaahay ina siiyay iyo dedaal ay muujiyeen dadkeena iyo dawladeenuba.
Waxaanu soo qaadanaynaa dedaalka halka gobolka Saaxil kaga jiro tartanka, gobolka saaxil run ahaantii waxbarashadiisu waxa weeye waxbarasho aad u hoosaysa marka la eego dhinaca maamulka iyo kaabayaashiisa uu wax ku fuliyo, sida macalimiinta. Gobolka waxa kale oo aad looga cawdaa hawl-fuliyaashiisa.

Haddii aanu hoos u soo dhaadhacno oo aynu u soo gudubno tacliinta sare ee gobolka ee iminka laga fuliyay. Gobolka waxaa ku habsatay mawaafaqada wax lagu qabsado, waxaa jira in sanadkii hore 2005 laga aasaasay gobolka Kuliyad lagu barto cilmiga badda, kaas oo markuu sannad shaqaynayay joogsaday, iyadoo aanu eeda saari karno dadka iyo madaxda gobolka oo aan fahamsanayn tartanka ka dhexeeya gobolada kale, kuwaas oo aanu odhan karno waa kuwo dan iyo mustaqbal ka lahayn danta gobolka. Khaasatan madaxda gobolka oo ah qaar cilmiga iyo cadiifadu ku yar tahay oo eedda Kuliyaddaas baabi’isay oo badideeda eedda madaxa ku qaadanaya, iyagoon aan kala saarin laba gudi oo kala horeyay oo meesha loo magacaabay, markii ay xilka u kala wareejin waayeen ee ay isku daawadeen, fara gelinna ay gudidii dambe ka deyn waayeen oo ay ku qabsadeen arrin ah magac guddi la baxday gudiga hormarka gobolka Saaxil, taas oo ah wax iska basiid ah, laakiin fahamku wuu ka leexday madaxda oo si kale loogu turjumay intuu war xumo tashiil helay.

Gaar ahaan hadaan jaleecno waxbarashada dugsiga sare ee Bursade, akhristayaashow waxaanu jecelnahay inaanu war bixin kooban ka bixino xaaladda iyo marxalada dugsiga sare ee Bursade ee magaalada Berbera.

Dugsiga sare ee Bursade waxaa dib loo dhisay 1999, waxaana ilaa hadda ka qallin jebiyay afar dufcadood, sannadkii ugu horeeyay oo ahaa 2003 waxa ka baxay tiro gaadhaysa ilaa 30 arday, halka sanadkii u dambeeyay oo ah sannadkii ina dhaafay ay ka qalin jebisay 95 arday.

Haddaba waxa jirta ardayda wax ka barata ama ka qalin jebisa dugsiga ay in 100% ka hoosayso ardayda wax ka barata gobolada kale ee dalka.

Marka la eego tayadooda waxbarasho runtii waxa dhacda in ardayda Bursade ku hamiyaan derajada (Grade C), halka ay ardayda gobolada kale ku hamiyaan (Grade A), sidaas darteed waxaa lama huraan ah in wax laga sheego derajo xumada haysata ardayda Bursade.

Haddaba anaga oo iskugu jirna ardayda wax ka barata dugsiyada iyo dhalinyarada reer Berbera, waxaanu halkan kaga jawaabaynaa su’aasha ah maxaa dib u dhigay waxbarashada gobolka Saaxil?
Su’aashaas jawaabteedu waa mid aan la soo koobi karin, balse waxaan isku dayeynaa in aanu soo ururino inteeda ugu muhiimsan oo ah qodobadan:
1. Macalimiin la’aan ka jirta gobolka Saaxil;
2. Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo aan ka jirin gobolka;
3. Maamulka dugsiga oo aan si joogto ah u shaqeyn (taasna waxaa ugu wacan wasaarada Waxbarashada oo aan daryeelin waxbarashada gobolka Saaxil;
4. Xidhiidh la’aan ka dhaxaysa macallinka iyo ardaygiisa.
Wabilaahi towfiiq
Jaamac Xasan Maxamed, Berbera, Somaliland

Top