Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1256 Nov.9, 2006

Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Guulo Ka Soo Hooyey Safar Ay Ku Joogeen Dalka Britain

9 November: Xuska Sannad-Guuradii 8aad Ee Ka Soo Wareegtay Geeridii Aabihii Saxaafadda Madaxa
Banaan Ee Somaliland [Maxamuud Cabdi Shide]

Agaasimaha TV-ga qaranka Oo Sheegay Inuu Isagu Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Istuudiyaha Telefiishankaas

Ciidanka Taraafikada Oo Dadweynaha Boorama Ku
Wargeliyey Inaan Darawaliinta Loo Raaci Doonin Carruurta Dabada Qabsata Baabuurta Ee Dhibaato
Soo Gaadho

Tartan Quraan Akhris Ah Oo Lagu Abaalmariyey Gabdho Ku Guuleystay Kaalmaha Ugu Horreeya

Guuldaro Uu Kala Kulmay Xisbiga Jamhuurigu Doorashadii
Maraykanka Oo Galaafatay Xoghayihii Difaaca

Maxkamadaha Muqdisho Oo Gacanta Ku Dhigay Markab Ay Budhcad-Badeed Ku Af-Duubeen Xeebaha Somalia

Kenth Ellison Oo Noqday Ninkii U Horeeyey Ee
Muslim Ah Ee Loo Doorto Congress-Ka Maraykanka

ODHAAHDA AKHRISTAHA:
“Maan Fileyn In Bileyska Somaliland Dadkooda Sidan Ula Dhaqmaan”
Cumar Maxamed – Qurba-jooga Somaliland ee dalka ku soo laabtay

Maxay TV-ga qaranka iyo Radio Hargeysa uga gaabsadeen muwaadinka ka soo jeeda beelaha la
hayb-sooco ee rayiiskiisii ku shuf beelay

Is Adkayn Rag Wuu Ku Talo Seegaa Dumarna Waa Ku Tag Seegaan

Madaxweyne Hal Xaaraan Nirig Xalaala Ma Dhasho


Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Guulo Ka Soo
Hooyey Safar Ay Ku Joogeen Dalka Britain

“Waxa nalagu sii qadarinayay annagoo ka soconay Baarlamaan si xor ah loo soo doortay oo waliba mucaaridku aqlabiyadda leeyahay” C/Casiis Samaale

Cardiff, UK, November 9, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa kulan ay maalintii shalay ku booqdeen aqalka baarlamaanka gobolka Wales ee UK, maamuus ahaan loogu fadhiisiyay mambarka kuraasta shirgudoonka golahaasi fadhiisto, iyada oo weftiga reer Somaliland lagu marti-geliyay inay ka qayb-galaan fadhi ay baarlamaanka Wales ay xukuumadooda Salaasa kasta su’aalo golaha dhexdiisa ku weydiiyaan.

Agaasimaha xafiiska Jaaliyadda Somaliland ee Welishka ahaana Isu-duwaha booqashada weftiga Somaliland ee Cardiff oo Haatuf shalay uga xog-waramay kulankan ayaa sheegay in mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka Wales ay sacabka aad u tumeen markii makrafoonka golaha dhexdiisa laga baahiyay inay marti ahaan fadhiga maanta [shalay] ula joogaan madaxda baarlamaanka Somaliland iyo wefti ay hogaaminayaan, sharaxaad dheeraad ahna laga bixiyay sida dimuqraadiyaddu uga hana-qaaday Somaliland iyo doorashooyinkii ka dhacay ee ta golaha wakiiladu ugu dambeysay.

Wafdiga Somaliland oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland, waxa si diiran aqalka baarlamaanka ee Wales ugu soo dhaweeyay Lord Thomas oo ah Afhayaha Golaha (Speaker) iyo madaxda shaqaalaha ee golahaasi, waxaana xubnaha weftiga muddo laba saacadood ah lagu soo wareejinayay aqalka Baarlamaanka Wales, iyada oo loo sharxayo hawlaha goluhu qabto, nidaamka uu ku shaqeeyo iyo qaybaha kala gedisan ee uu ka kooban yahay.

Qaybtii dambe ee barnaamijkan gudoomiye Cirro iyo ku-xigeenkiisa Mr. Samaale, waxay ka qayb-galeen kulan xiiso lahaa oo ra’iisal-wasaaraha xukuumadda Walesh-ka Mr. Rhodri Morgan, ay Xildhibaanadu su’aalo ku weydiinayaan baarlamaanka hortiisa, taas oo ay xubnaha weftiga Somaliland uga kordheen waayo-aragnimo iyo aqoon la xidhiidha habka ay baarlamaanka iyo xukuumaddu u wada shaqeeyaan, iyada oo mid walba waajibaadkiisa gudanayo.

Cabdul-Kariim Aadan oo xusaya waxyaabaha xiisaha lahaa ee ka soo baxay booqashada aqalka Baarlamaanka Wales, waxa uu sheegay in dhammaan mudaneyaasha afarta xisbi kaga jira Baarlamaanka iyo xukuumadduba ay ka mideysnaayeen oo ay isku raacsanaayeen in la taageero qadiyadda Somaliland.

Dhulka ay degan yihiin dadka Welish-ku oo ismaamul-goboleed ku hoos taga dalka Britain, wuxuu Somaliland la leeyahay xidhiidh taariikhi ah iyadoo aqalka Baarlamaanka Wales oo magaciisa loo yaqaano “Sened” uu labada gudoomiye ee Baarlamaanka Somaliland ku casuumay si la mid ah baarlamaanada kale ee dalalka ururka Barwaaqo-Sooranka (Commonwealth) furitaankii dhisme cusub oo aqalka Sened-ka loo dhisay, kaas oo xadhigga laga jaray 1-dii bishii March ee sannadkan 2006.

Cabdicasiis Samaale oo aanu shalay khadka telefoonka kaga xog-waraysanay waxyaabihii uga qabsoomay kulamadii ay la yeesheen masuuliyiinta baarlamaanka iyo xukuumadda Wales, waxa uu sheegay inay wada-hadal qoto dheer la yeesheen Afhayaha Sened-ka iyo gudoomiyeyaasha guddi-hoosaadyada baarlamaanka, kuwaas oo dhammaantood ay kala hadleen qadiyadda ictiraafka Somaliland, isla markaana ay uga warameen marxaladihii dalku soo maray iyo ta maanta uu ku jiro iyo waliba xaaladaha ka jira wadamada mandaqadda, waxaanu Md. Samaale yidhi: “Waxaanu kala hadalay waxyaabaha ay baarlamaankeenan curdinka ah la qaban karayaan, arrimihii aanu isla qaadanayna waxa ka mid ahaa inay naga caawiyaan tababaro la siinayo Xildhibaanada iyo guddiyada madaxdooda, waxaana laga yaabaa in wakhtiyada soo socda ay hawshaasi bilaabanto, arrimahaasna waxa koley sii daba socon doona oo halkaa ka sii amba-qaadi doona Cabdul-Kariim iyo qolyaha halkan jooga, run ahaantiina gobolka Wales markaad eegto qadiyadda Somaliland meel wanaagsan bay ka taagan yihiin.”

Mr. Samaale waxa kale oo uu sheegay in baarlamaanka Wales ay ku marti-qaadeen inuu wefti u soo diro Somaliland, taas oo ay ka aqbaleen. Balse wuxuu sheegay in booqashadaasi ay suurto-gal noqon doonto kadib marka ay ka faraxashaan diyaar-garowga iyo ololaha doorashooyinka baarlamaanka ee Wales ka dhici doonta bisha May 2007.

Waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee weftiga Xildhibaanada Somaliland u qabsoomay waxa ka mid ahaa iyada oo baarlamaanka Wales ay isla qaateen inay guddi-hoosaad gaar ah oo ka hoos shaqayn doonta guddida Arrimaha Dibadda ee golaha loo saaro arrinta Somaliland oo ay xidhiidh kala samayso baarlamaanka dhexe ee London (House of Commons) iyo (House of Lords).

Cabdul-Kariim Aadan oo fasiraad ka bixinaya faa’iidada guddi-hoosaadkan gaarka ah, waxa uu yidhi: “Guddidani waxay ka koobnaan doontaa xubno ka tirsan dhammaan xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ka jira heer gobol iyo mid qaran-ba, waxaanay isku taxalujin doonaan sidii wararka qadiyadda Somaliland u baahin lahaayeen, isla markaana uga dhaadhicin lahaayeen xubnaha xisbiyadooda kaga jira dawladda iyo baarlamaankaba sidii ay taageero u siin lahaayeen Somaliland xag siyaasadeed iyo dhinac dhaqaaleba.”

Waxa kale oo weftiga Somaliland u suurto-galay inay la kulmaan masuulka dawladda Wales-ka u qaabilsan kaalmooyinka dibadda, kaas oo ay isku afgarteen in gobolka Wales uu si gaara u caawiyo Somaliland.

Wafdiga Somaliland kadib markii ay dhamaysteen booqashadii baarlamaanka gobolka Wales, waxa lagu soo dhaweeyay qado-sharaf uu sameeyay Afhayaha Baarlamaanka Wales, Hon. Dafiyed Elis_Thomas, waxaana ka qayb-galay Mudaneyaal ka kala socda xisbiyada Labour-ka, Conservative-ka, Liberal-ka iyo Wales party, waxaa isna ka soo qayb-galay madaxa guddida xidhiidhka arrimaha dibadda ee baarlamaanka Wales Mr. John Grievs.

Isla shalay gelinkii dambe weftiga Somaliland wuxuu la kulmay Ra’iisal-wasaaraha Wales, iyadoo ay ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka Soamliland iyo Wales.
Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Somaliland, waxay booqashadoodan dalka UK bilaabantay horaantii bishan, iyada oo ay xarunta aqalka hoose ee Baarlamaanka (House of Commons) ee magaalada London kula kulmeen ku-xigeenka Afhayaha Golahaas, Hon. Sylvia Heal, JP.

Waxa kale oo bishan labadeedii ay xarunta Baarlamaanka ee London kula kulmeen guddida Mudaneyaasha Baarlamaanka ee taageera Somaliland, taas oo uu gudoomiye ka yahay Xildhibaan Allun Michael, Xoghayana ay ka tahay Xildhibaanada Kerry McCarthy.
3-dii bishan weftigu waxay la kulmeen masuuliyiin ka tirsan wasaarada dalka Britain u qaabilsan kaalmada dibadda.

Mr. Samaale oo kulankaas ka hadlaya wuxuu yidhi: “Waxay noo sheegeen inay Afrika u hayaan lacag aad u farabadan oo kaalmo ah. dadka aanu halkaas kula kulanay waxa ka mid ahaa gabadh hore Somaliland u timid. Dhibta ina haysataa waxa weeye maadaama Somaliland aan weli la ictiraafin, waxay kaalmada inoo soo marinayaan hay’adaha, waxayse sheegeen inay kaalmo badan Somaliland hore u siiyeen imikana ay mid tii hore ka badan siin doonaan, waxaanay naga aqbaleen inay Somaliland wefti u diraan. Waxa kale oo kulamadii aanu madaxda baarlamaanka iyo dawladda dhexeba la yeelanay horraantii bishan nagala qayb-galay Lord Anderson oo Hargeysa laba cisho oo qudha ka sokeeyay markii aanu madaxdaas la kulmaynay, waxaanu warkii uu Lord Anderson ka sheegay Somaliland sii adkeeyay kii aanu anagu warbixinta ku siinay iyadoo uu Lord-ku u muuqday nin aad ugu ololaynaya Somaliland.”

Mr. Samaale wuxuu sheegay inay masuuliyiinta ay la kulmeen ka dareemayeen tixgalin iyo qadarin siyaado ah oo ay ku mutaysanayso nabadda, axsaabta, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ka hirgalay.

Waxa kale oo Md. Samaale uu carabaabay in xaaladaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika, marka la eego dhinac walba ay arrinta Somaliland ka dhigeen mid mudnaan iyo ahmiyad weyn la siinayo oo xataa dad badani ay haatan leeyihiin waa in Somaliland degdeg loo ictiraafo.

Mud. Samaale isagoo arrintan ka hadlaya iyo guud ahaanba kulamadii ay la yeesheen madaxda dawladda iyo baarlamaanka UK iyo gobolka Wales, waxa uu yidhi: “Markaas ololahaas oo aynu sii xoojino oo intaas ka sii bata oo gacmaha lays qabsado oo loo midoobo qadiyadda Somaliland, qof walbana uu qabto waxa uu qaban karo ayuun bay midho ku dhalan karaan. Annagana runtii qiime weyn bay noo lahayd sababtoo ah dee dad la soo doortay uun baanu runtii metelaynay, taas lafteeduna qiime weyn bay u samaynaysay dadkan aanu la kulmayno, aad iyo aad baa warkayaga loo dhegaysanayey marka loo eego sida ay u adagtahay inay ka hirgasho meelo badan oo Afrika ka mid tahay baarlamaano si xor ah loo soo doorto oo ku fadhiya kalsoonida shacbiga, waxaananu gaadhsiinaynay ummaddaha fariintii loo baahnaa in la gaadhsiiyo, annagoo shacbigii iyo dhammaan ummadda reer Somaliland ka wakiila. Waxa lanagu sii qadarinayay annagoo ka soconay baarlamaan si xor ah loo soo doortay oo weliba mucaaradku aqlabiyadda leeyahay, taas oo ay ku faraxsanaayeen dhammaan dadkii aanu la kulanay oo la-yaabna ku ahayd in waxyaabaha Somaliland ka hirgalay ee naadirka ku ah Afrikada kale.”

Mudane Samaale waxa kale oo uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu uu ahaa inay u ololeeyaan qadiyadda Somaliland, dhinaca wanaagsana iska taagaan marka wax laga weydiiyo xukuumadda, waxaanu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay oo uu yidhi: “Qadiyadda Somaliland, waxaanu isleenahay meel wanaagsan ayuu run ahaantii gaadhsiiyay.”

Wafdiga baarlamaanka Somaliland intay ku gudo jireen booqashadoodii dalka Britain waxay la kulmeen Jaaliyadaha Somaliland ee kala degan London iyo Cardiff. Waxa kale oo magaalada Cardiff weftiga casho sharaf ugu sameeyay Iid Cali Salaan oo ah gudoomiyaha ururada reer Somaliland ee degan Yurub.

Wafdigu waxay mahadnaq ballaadhan u soo jeediyeen dhammaan xubnaha guddida Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff, sidii wacnayd ee ay u soo dhaweeyeen, una tabantaabiyeen booqashadii weftigooda ee ku dhamaatay guusha.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay ka soo ambabaxay dalka Britain isagoo u soo jeeda dhinaca Somaliland oo maanta la filayo inuu Hargeysa ka soo dego, iyadoo isla duulimaadkaas la sheegay inay la socdaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Aw Cali, hase yeeshee Gudoomiye ku-xigeenka 1aad Cabdicasiis Samaale ayaa weli ku sugnaan doonaa dalka UK, isagoo maalinta Sabtida uu la kulmi doono jaaliyadda Somaliland ee degan magaalada Bristol. Sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa jaaliyadda reer Somaliland ee degan Birmingham maalinta ku xigta ee Axadda.

Top


9 November: Xuska Sannad-Guuradii 8aad Ee Ka
Soo Wareegtay Geeridii Aabihii Saxaafadda Madaxa
Banaan Ee Somaliland [Maxamuud Cabdi Shide]

“Cidna Uga Habran mayno qoraalka wararka aanu xaqiiqadooda hayno”

“Haddii aanu ku guulaysano halganka [SNM] dalkani wuxuu noqon doonaa dal madax banaan oo la yidhaahdo Somaliland” Wareysi uu Marxuumku Siiyay 1988 idaacadda BBC-da

Hargeysa, November 9, 2006 (Haatuf) – Maanta oo ay bishu tahay November 9, 2006 oo ku beegan sannad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday Aabihii Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo maanta oo kale sannadkii 1998 ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa si weyn looga xusi doona Somaliland, sidoo kalena isla maalintan [November 9] waxaa ku beegan maalintii loo aqoonsaday maalinta Saxaafadda Madaxa Banaan ee Somaliland, taas oo maamuus ahaan loogu beegan maalintii uu geeriyooday Maxamuud Cabdi Shide.

Xaflad lagu xusay munaasibaddan ayaa maanta lagu qaban doono Hoteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb-geli doonaan dhammaan warbaahinta madaxa banaan iyo kuwa dawliga ah, waxaana halkaas lagu soo bandhigi horumarka saxaafadda Somaliland ay gaadhay iyo doorkii uu ka soo qaatay Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa Aabihii Saxaafadda Madaxa banaan ee casrigan ka hana-qaaday Somaliland.

Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa gudoomiyihii Shirkadda NPP ee soo saari jirtay Wargeysyada Jamhuuriya iyo The Republican, ayaa lagu xusuustaa doorkii muhiimka ahaa ee uu halgankii SNM hormoodka ka ahayd ee lagu xoreeyay Somaliland kaga soo qayb-qaatay doorka warbaahinta, isagoo wakhtigii dagaalkii u dhexeeyay mujaahidiintii SNM iyo Taliskii Maxamed Siyaad Barre uu socday warbaahinta dunida ku soo bandhigay filimo dhokumentari ah oo ka soo duubay xasuuqii iyo duqayntii loo geystay shacbiga reer Somaliland, kuwaas oo rayul-caamka dunida indhahooga tusay waxyaabihii ay ku samaynaysay dawladii Siyaad Barre dadka rayidka, taas oo ay daboolka saaraysay kana qarinaysay indhaha caalamka burburkii iyo duqayntii bahalnimada ahayd ee uu taliskaas kula kacay shacbigiisa. Waxaanay arrintaasi waxtar weyn u yeelatay halgankii hubaysnaa ee uu ururkii SNM kula jiray taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre.

Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, waxa kale oo lagu xusuustaa doorkii uu ka qaatay gooni-isu-taagii Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka mid ahaa hal-doorkii aadka ugu adkaa inay Somaliland xornimadeedii dib ula soo noqoto iyo sidoo kale doorkii uu ka qaatay nabadayntii beelaha Somaliland, hub ka-dhigistii, dib-u-dejintii Mujaahidiintii SNM iyo sal-u-dhigidii hanaanka dawladnimo ee Somaliland, isagoo hantidiisii gaarka ahayd u huray taaba-gelinta qaar ka mid ah hay’adaha dawladda, xilligaas oo aanay jirin dhaqaale gacanta dawladda ku jiray.

Alla ha u naxariistee waxaa lagu xusuustaa Marxuum Maxamuud Cabdi Shide kaalintii udub-dhexaadka u ahayd saxaafadda casriga ah ee Somaliland, isagoo ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee Madbacad casriya keena dalka Somaliland, isla markaana ku soo saaray wargeyska Jamhuuriya markii ugu horeysay nooca maanta loo daabaco Wargeysyada Somaliland, isagoo ka horumariyay noocii hore ee ay wargeysyadu ku soo bixi jireen oo ahaa istensal (A4 size). Sidoo kalena waxa lagu xusuusta doorkii uu ku lahaa u dhaqdhaqaaqa iyo meelmarinta xoriyatul-qawlka Maxamuud Cabdi Shide, waxa kale oo uu kaalin lama ilaawaan ah ka soo qaatay dhiirigelinta dhalinyarada ee dhinaca ciyaaraha.
Alla ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Shide, waxa uu sannadkii 1948 ku dhashay magaalada Hargeysa, waxaanu waxbarashadiisii u horeysay ka bilaabay dugsiga Sheekh Baraawe ee magaalada Hargeysa, isagoo waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay dugsiga Tereedhiska ee Hargeysa, waxaanu waxbarashadii dugsiga sare ku qaatay dugsigii sare ee Camuud.

Marxuum Maxamuud Cabdi Shide waxa uu shaqadiisii u horeysay imtixaan ugu galay sannadkii 1968 isagoo 20 jir ah Bangigii Ganacsiga ee Somalia, waxaanu ku guulaystay inuu ka mid noqdo shaqaalihii ugu horeeyay markii ay dawladii Siyaad Barre la wareegtay Baananka isagoo xisaabiye ka noqdo Baankii magaalada Marka. Hase yeeshee waxa uu shaqadaas ka tegay 1972, kadib markii ay u cuntami wayday inuu la sii shaqeeyo dawladii milateriga ahayd ee Siyaad Barre, waxaanu u haajiray dhinaca wadamada Bariga Afrika, sida Uganda, Kenya, Tanzania iyo dalka Sudan oo uu muddo dhowr sannadood ah ku noolaa.

Sannadkii 1974 ayuu Marxuum Maxamuud Cabdi Shide u tacabiray dhinaca wadamada Khaleejka Carabta, gaar ahaan Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu ka aasaasay shirkad weyn oo dhismaha ah oo qandaraasyada caalamiga ah qaadan jirtay. Hase yeeshee sannadihii sideetamaadkii waxa uu Maxamuud Cabdi Shide ka mid noqday ururkii SNM, kaas oo uu masuul uga ahaa ururinta taageerada dhaqaalaha loogu ururinayay ururka SNM ee dalalka Khaleejka.

Sannadkii 1986, waxa uu Maxamuud bilaabay inuu halgankii hubaysnaa ee SNM si toos ah ugala qayb-qaato mujaahidiintii safka hore ee jiidaha dagaalka, isagoo dagaalka kaga qayb-qaatay Kamarad Fiidyow ah uu la dhinac galay mujaahidiintii qoryaha ku hubaysnayd, halka ay dadkeenu u yaqaanaan dagaalku inuu yahay ka qoriga oo keli ah, balse markii dambe la ogaaday in dagaalka warbaahintu [Media] ka khatarsan yahay ka qoriga, waxaanu Marxuumka lagu xasuustaa hal-ku-dhegii uu arrintaas kaga jawaabay markii ay qaar ka mid saaxiibadiisii halganku kula taliyeen inuu qori qaato oo kamarada iska dhigo, waxaanu yidhi: “Aniga qorigayga [Kamaradayda] ayaa ka tiiro dheeraan doonta qoryaha aad sidataan.”

Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha mucjisada ah ee lagu xusuusto Maxamuud Cabdi Shide, wareysi uu sannadkii 1988 siiyay idaacadda BBC-da, laanta Afka Ingiriisiga, kaas oo su’aalihii la weydiiyay ay ka mid ahayd ‘waa maxay ujeedada ururka SNM u dagaalamayaa iyo qorshaha u yaalla haddii ay SNM dagaalka ku guulaystaan?’, waxaanu Marxuumku ku jawaabay oo uu yidhi: “Ururka SNM wuxuu ka dagaalamay xasuuq iyo tacadi uu kula kacay Rajiimkii Siyaad Barre dadka gobolada Waqooyi [Somaliland], haddii aanu ku guulaysano halgankana dalkani wuxuu noqon doonaa dal madax banaan oo la yidhaahdo Somaliland, kana go’I doona koonfurta Somalia ee aanu la midownay 1960 markii aanu xoriyada qaadanay.”

Top


Agaasimaha TV-ga qaranka Oo Sheegay Inuu Isagu
Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Istuudiyaha Telefiishankaas

Hargeysa, November 9, 2006 (Haatuf) – Agaasimaha Guud ee TV-ga qaranka Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inuu saxeexay heshiis qandaraas ah oon soo marin hay’ada qandaraasyada qaranka oo lagu dayactirayo dhismaha Tiyaatarka Idaacada oo ku kacaya $11,469 dollar, isaga oo intaa ku daray in heshiiska qandaraaska dhismahaas uu la galay maamulka shirkada dhismaha ee Unicco oo uu sheegay in xayaysiis ay u sii daayaan, kaas oo kharashka dhismahaas ku baxaya u goosan doonaan.

Sidaana waxa uu agaasimaha guud ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, kaas oo uu sidoo kalena jawaab kaga bixiyey war ku saabsanaa dhismayaal si sharci darro ah qandaraaskooda loo siiyey shirkada la yidhaahdo Hope oo uu ku jiro dhismaha Tiyaatarka Tv-gu, taas oo la sheegay in qasriga madaxtooyada looga soo ogolaaday, balse agaasimaha guud ayaa isagu sheegay in shirkada ay qandaraaska dhismaha la galeen tahay shirkada Unicco, balse aanay ahayn Hope, isaga oo dhinaca kalena halkaasi ka qirtay in heshiiska qandaraaska uu isaga laftiisu saxeexay, isla markaana aanay madaxtooyadu wax shuqul ah ku lahayn, isaga oo hadalkiisana ku soo bandhigay nuqul ka mid ah heshiiska qandaraaska ay wada galeen shirkada.

Agaasimaha guud ee Tv-ga qaranku wuxu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan shirkan jaraa’id jawaab kaga bixinayaa maqaalkii wargeyska Haatuf ku soo baxay maalintii doraad, taan ka jawaabayaana waxa weeye dayactirka dhismaha Studeo-ga Tv-ga oo ay yidhaahdeen madaxtooyada ayaa eex samaysay oo nin gaar ah siisay. Horta mashruucani maaha mashruuc ay dawladu bixinayso oo ku jira miisaaniyada dawlada, hadaanu Tv-ga qaranka nahay waxaanu heshiis la galnay shirkada dhismaha ee UNieco, ninka la yidhaahdo Eng. C/qaadir Iimaan ayaa chairman ka ah, ninkaana qaabkaanu u siinay qandaraaska waxa uu ahaa qaab xayaysiis ah, bajad noogu jiray iyo miisaaniyada ay dawladu ku bixisay dhismaha Studeo-ga muu jirin, anigaa la saxeexday, waxaanan ula saxeexday in aanu nagu is-dabarno oo aanu isku dabarno qaab farsamo iyo habkaanu wax u qabsan karno, waxaanu la galnay heshiiskan shirkadan iyo shirkad ay walaalo yihiin oo DHL la yidhaahdo, labadaas ayaanu xayaysiis u sii daynay, kharashkii xayaysiiska naga soo galayay ayaanu ku bixinay qandaraaska oo aanu ku nidhi anaguna aanu wax idiin xayaysiino, idinkuna tiyaatarka noo dhisa, qandaraas ay madaxtooyadu bixisay iyo qandaraas ay tidhi cidaas hala siiyo midkoodna ma jirin, hadii xitaa ay jiri lahayd ninkaa la sheegayaa uu noqon lahaa ka dhigaya dee waa nin muwaadin ah oo dadka ula siman, hase yeeshee nalamuu soo xidhiidhin, waana qorshe anagu aanu galnay oo aanu isku tashanay oo aanu is-nidhi maadaama aanay miisaaniyada waxba noogu jirin waxaad wax ku qabsan kartaan in aanu shirkadaasi xayaysiis u sii dayno, iyaguna ay dhismaha Studeo-ga noo dhisaan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Qolooyinka Saxaafada waxaan kula dardaarmayaa inay ka fogaadaan wararka ku tidhi-kuteenka ah eek u soo noqonaya, saxaafada waxaa looga baahan yahay inuu qoro war xaqiiqo ah 100% oo abtirsiin iyo aabo leh, hadii aynu ku dhaqano warar humaag ah iyo waxaa la yidhi ayno qorno waxay noqonayaan waxay ka dhashaan fawdo iyo iska hor-imaad. Maalin hore oo aad xafiiskayga iigu timid oo aad igu waraysatayna hadaad tahay wariyaha Haatuf waxaan idinku idhi waa inay qolooyinka saxaafadu ka fogaadaan halkii aynu taagnayn 1991-kii oo ay ka koraan waxyaabaha curfiga keenaya, anigu saxaafada dhaliil uun u so jeedin maayo oo wax badan ayay qabteen, dimoqraadiyada way barbaariyeen, waxaase u dhimani waxa weeyaan oo aan leeyahay saxaafada gu’gii u kordhaaba waa inuu wax u kordhiyo. Anigu ma garanayo cid aad wareysataan, heshiiskan aan la galay shirkada Unieco-na waa kaas, amount-kaanu kula galnayna waa $11,469 oo xayasiis ah, ninkaanu wada galnayna waa Eng. C/qaadir Iimaan”.
Intaa ka dib, su’aalihii halkaasi aanu ku weydiinay iyo jawaabahoodiina waxay u dhaceen sidan:

S: Agaasime waxay warar xog-ogaal ahi sheegayaan in shirkada Unieco ay siisay shirkada Hope oo markii hore iyada qandaraaska la siiyey, isla markaana dhokmentiyadii cadaymaha ahaa la hayo, arimahaasina la sheegayo in heshiiska qandaraaska madaxtooyadu saxeexday, arimahaas maxaad ka leedahay?
J: Ninkii cadaymaha hayaa saxaafada ha u soo bandhigo, xaasha ma jirto meel aanu shirkada Unieco mooyee shirkad kale heshiis qandaraas kula galnay, wax sub-contract ah oo aanu galnayna ma jiro, lacag laga qaadayna ma jirto ee waa xayaysiis aanu u sii dayno labada shirkadood ee mataanaha ah Unieco iyo DHL, anigaana Tv-ga agaasime guud ka ah oo saxeexay, ninka yidhaahda cid kalaa qandaraaskaasi saxeexdayna waa beenaale ee halkan ha yimaado, wixii cadaymo ah ee uu hayana ha keeno.

S: Maadaama guddida qandaraasyada qaranku u xilsaaran tahay wixii qandaraas lagu bixinayo, miyaanay heshiiskan aad shirkada unieco kula gashay qandaraaska dhismaha sharci darro noqonayn?
J: Waxna waxa weeyi wax miisaaniyada dawlada soo galay oo dakhligii dawlada ama miisaaniyada iigu jira, oo guddida qandaraasyadu inay bixiso ay tahay, waxna waxa weyi waxa yaryar ee aanu gaarka u leenahay ee aanu wax ku qabsanayno, anagaa iskaa wax u qabso qaab ku salaysan iyo farsamo aanu la nimid ayaanu arintaasi ku bixinay, dhaqaalaha xayaysiiska ahna waxa naloo siiyey in aanu dhismayaashayada ku jihaynaa, qalabka yaryar iyo wixii hadba naga jaba aanu ku hagaajisanaa, wax miisaaniyada galayna may ahayn, miisaaniyada hagaagsan Tv-gu markii hore muu lahayn, waad ogsoon tihiin xitaa mushaharka shaqaalaha ayaan xiligaasi hore sugnayn, sidaas darteed dad isku tashaday ayaanu nahay.

Top


Ciidanka Taraafikada Oo Dadweynaha Boorama Ku
Wargeliyey Inaan Darawaliinta Loo Raaci Doonin
Carruurta Dabada Qabsata Baabuurta Ee Dhibaato
Soo Gaadho

Boorama, November 9, 2006 (Haatuf) — Taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Gobolka Awdal ayaa shalay dadweynaha Gobolka Awdal, gaar ahaanna dadweynaha Boorama ku wargeliyey in hadda wixii ka dambeeya aan darawaliinta gaadiidka loo qabsan doonin carruurta yaryar ee gaadiidka dabada qabsada kadib dhibaato ka soo gaadho falkoodaas.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, Taliyaha Ciidanka nabadgelyada Wadooyinka Awdal, Axmed Daahir, ayaa shalay dadweynaha ku nool Boorama cod-baahiyeyaal gawaadhi lagu rakibay ku wargeliyey in dhibaatada maalin walba ubadka yaryar ka soo gaadha gaadiid ay ku laabeen ama dabada qabsadeen badatay, isla markaana falkaasi ay dadku caado ka dhigteen in lagu ciqaabo darawaliinta gawaadhida wadda iyagoon ogeyn dhibaatada ubadka ka soo gaadha gaadiidka socda ee ay daba qabsadeen, sdiaa darteedna waalidiintu ka digtoonaadaan inaan hadda kaddib darawal loo ciqaabi doonin ama aan mag looga qaadi doonin ubadkooda ku dhinta ama ku dhaawacma dabaqabsiga gawaadhida jidadka socota.

Dhinaca kale taliyaha saldhigga Bileyska Boorama, Muuse C/laahi Hanfi, ayaa isna Haatuf u sheegay in wargelintan ciidanka taraafiggu tahay muhiim, ayna ahayd in mar hore dadweynaha loo sheego. “Annaga laftayada, Maxkamadda iyo Xeer-ilaalinta wareeriyey kiisas lagu soo oogayo darawaliinta oo loo haysto in ilma yar oo gaadhigiisa dabada qabsaday ka dhacay, dhibina soo gaadhay, waxana dhacda in darawalkaasi aanu warba u ahayn maadaamaa uu iska eegeyo hortiisa marka uu jidka socdo ee aanu xagga dambe eegin” ayuu yidhi taliyaha saldhigga Boorama.

Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay hoos u dhigto dacwadaha noocan oo kale ah ee waalidiintu ku soo ogayaan darawaliinta, iyadoo dhinaca kalena ay dhacdo inaanay waalaidiintu kaba warhayn meesha ay ku dambeeyeen ubadkoodu marka ay guryaha ka baxaan, sidaa darteedna ay arrintani sii xoojinayso in waalidiintu isha ku hayaan ubadkooda, kana taxaddiraan inay dabada qabsadaan gaadiidka jidadka maraya.

Top


Tartan Quraan Akhris Ah Oo Lagu Abaalmariyey
Gabdho Ku Guuleystay Kaalmaha Ugu Horreeya

Boorama, November 9, 2006 (Haatuf) — Munaasabad abaalmarinno iyo jaa’isado lagu siinayey gabdho ku guuleystay tartan quraan akhris ah ayaa shalay lagu qabtay Huteel Rays ee magaalada Boorama.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, tartankan oo ahaa mid Boorama laga qabanqaabiyey wakhtigii lagu jiray bishii Ramadaan ee la soo dhaafay, balse shalay la soo saaray go’aankii lagu kala saarayey gabdhihii ku tartamay wakhtigaa, iyadoo hore munaasabad tan oo kale ah loo qabtay wiilashii iyagu ku guuleystay tartankan laguna siiyey abaalmarinno.

Haddaba munaasabaddan shalay ka dhacday Huteel Rays, isla markaana ay ka soo qaybgaleen tiradii ugu badnayd ee ka socotay qaybaha dadweynaha Boorama sida culimada diinta, aqoonyahanno, madaxdhaqameedyo iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa halkaasi si qoto-dheer loogaga hadlay khudbado ku saabsan faa’iidada ay inoo leedahay barashada quraanka kariimka ah iyo faa’iidada if iyo aakhiraba uu inoo leeyahay barashadiisu iyo siyaalaha barashada quraanka kariimka ahi ay u toosinayso ubadka.
Sh. Cali Dheere oo ka mid ahaa culimadii halkaa ka hadashay ayaa isagu si gaar ah farta ugu fiiqay sida ay u habboon tahay in mar kastaba diinteenna iyo caqiidadeenaba loogu horreysiiyo wax kasta oo la qabanayo, sidaa darteedna la dhiirrigeliyo tartanada noocan oo kale ah.

Munaasabaddan oo ay qabashdeeda soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan haweenka reer Boorama ayna ka mid ahaayeen, Nimco Xaaji Abuubakar, Saynab Sh. Cali Jawhar, Sacdiya Xaaji Miisaan iyo Quman C/laahi Alaale, ayaa waxa kale oo ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo ka warramay sida loo doonayo in mujtamaceennu ku dedaalo sidii loogaga dayan lahaa ku dhaqanka diinta Islaamka, isla markaana qof kasta oo innaga mid ah lagu tixgeliyo maqaamka dhinaca aqoonta diinteenna.

Haddaba iyadoo ay badnaayeen dadkii ka hadlay munaasabaddan, ayaa waxa geba-gebadii halkaa abaamarinno isugu jira lacag caddaan ah iyo nuqullo ka mid ah quraanka kariimka lagu guddoonsiiyey lix gabdhood oo saddexda kaalmood ee ugu horreeya ka kala galay tartankaasi oo u qaybsanaa laba qaybood, kuwaas oo mid ka mid ah gabdhahaasi ku tartamayeen 30ka Jis ee quraanka kariimka, halka qaybta kalena ay ku tartameen 15 Jis ee Quraanka Kariimka ah.

Gabdhaha abaalmarinada ku guuleystay ayaa waxay kala ahaayeen :Saynab X. Daa’uud, Samsam Sheekh Barkhad, Farxiya Faarax Meecaad, Saynab Maxamed Cumar, Habboon Jaamac Ibraahim iyo Sabaad Axmed Cali.

Dhinaca kale munaasabaddan shalay ayaa waxa kale oo lagu urruriyey lacag qaadhaan ah oo kor u dhaaftay dhawr iyo toban kun oo Doolar oo loogu talogalay in lagu qabto tartanno noocan oo kale ah oo quraanka kariimka ah.

Top


Guuldaro Uu Kala Kulmay Xisbiga Jamhuurigu Doorashadii
Maraykanka Oo Galaafatay Xoghayihii Difaaca

Washington, November 9, 2006 (W. Wararka) – Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mucaardka, ayaa 12 sannadood markii ugu horeysay la wareegay aqlabiyadda Aqalka Hoose ee Kongoroska Maraykanka, waxaanay ka heleen 229 kursi, halka ay xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Bush uu ka helay 196, taasina waxay keentay Xoghayihii Difaaca ee xukuumadda Maraykanku, Donald Rumsfeld uu iska casilo jagadiisii, iyadoo guul-darada doorashada ka soo xisbiga Jamhuuriga loo aanaynayo dagaalka uu Maraykanku ka wado dalka Ciraaq oo uu Rumsfeld hormood ka yahay.

Doorashooyinka shalay ka dhacay Maraykanka ayay dadweynuhu si xoog ah ugu codeeyeen xisbiga mucaaridka ee Dimuqraadiga, taasina waxay keentay in aqalka Hoose iyo Ka sareba ay u ku hormaraan, sidoo kalena gobolada ay ka dhacday doorashadii Badhaasabadu ay xisbiga dimuqraadigu ku gacan sareeyaan.

Doorashadii Aqalka Odayaasha ayuu xisbiga dimuqraadigu ka helay 50 kursi, halka Jamhuuriguna ay ka helaan 49 kursi, waxaana ilaa hadda natiijadiisii la shaacin gobolka Montana oo tirinta codadkiisii dib loogu noqday, kaas oo codadka ilaa hadda la tiriyay uu ku horeeyo musharaxa dimuqraadigu, waxaanay haddii ay ku guulaystaan kursigaas ay ka dhigay inay labada aqalba aqlabiyada ay yeeshaan xisbiga dimuqraadiga ee mucaarad ah.
Guuldarada kaga timi Jamhuuriga doorashadan ayaa waxay wadada u xaadhaysaa siyaasad cusub oo uu Maraykanku waajaho xaaladaha bariga dhexe, taas oo Madaxweyne Bush carqalad ku noqon doonta siyaasadiisii hore ee Bariga dhexe, iyadoo xilligii ololaha doorashada lagu jiray ay murashixiinta dimuqraadigu ku ololaynayeen inay ciidamada Maraykanka ee jooga Ciraaq laga soo saari doono halkaas.

Isbedelka doorashadani ku keentay siyaasadii Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga, ayaa waxay tallaabadii ugu horeysay keentay in Xoghayihii difaaca oo ahaa nin ay si aad ah isugu aragti dhow yihiin Madaxweyne Bush uu xilkiisii iska casilo, iyadoo guuldarada xisbiga Jamhuuriga ka soo gaadhay doorashadan ay xudun u tahay qadiyadda Ciraaq, waxaanu Madaxweyne Bush in badan ka dhega-adaygay talooyin ay xisbiga Dimuqraadigu u soo jeediyeen, kaas oo ay kaga dalbanayeen inuu xilka ka qaado Rumsfeld. Madaxweyne Bush, ayaa isla xalayba waxa uu jagada Xoghayaha difaaca Maraykanka u soo magacaabay nin la yidhaahdo Robert Gates oo hore u ahaan jiray Taliyaha Hay’adda Sirdoonka CIA-da xillgii Madaxweynihii hore ee George W. Bush-ka 1aad.

Dhinaca kale, doorashadan shalay Maraykanka ka dhacday, ayaa keentay in markii ugu horeysay ay haweenay aqalka hoose Kongoreska [wakiilada] ka noqoto Afhayaha, halka sidoo kalena uu markii ugu horeysay uu soo galo isla aqalkan nin Muslim ah, kaas oo la sheegay in munaasibadda dhaarta lagu dhaarin doono Kitaabka Quraanka ah, waxaana guusha ninka Muslimka kaalinta ugu weyn ka ciyaaray dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalida ku dhaqanka gobolka Minnesota.

Top


Maxkamadaha Muqdisho Oo Gacanta Ku Dhigay
Markab Ay Budhcad-Badeed Ku Af-Duubeen Xeebaha Somalia

Muqdisho, November 9, 2006 (W. Wararka) – Hawl-gal ay sameeyeen maleeshyooyin ka tirsan maxaakiimta degmada Xarar Dheere oo watay doonyaha dagaalka ee dheereeya ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen markab lagu magacaabo MV Fiishaan, kaas oo dhawaan dekedda Muqdisho ka qaaday dhuxul loo waday wadamada Carabta.
Maleeshyaadka Maxkamadda Xarar Dheere ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray iyaga iyo budhcad badeedkii ku haystay markaabkaas af duubka muddo todobaad ka badan ka dibna waxay gacanta ku dhigeen markabkii iyo sideed ka mid ah budhcadkii markabka haystay, sida uu sheegay masuul ka tirsan Maxkamadaha Muqdisho markabkan MV fiishaan ayaa waxa lagu haystay meel u jirta 18 KM degmada Xarar Dheere oo magaceeda la yidhaahdo Gaan , waxa kaloo ay sheegeen in markabkii iyo shaqaalihii ka shaqaynayay la keeni doono magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha golaha shuurada ee midawga maxaakiimta Muqdisho Xasan Daahir Aweys oo ka hadlayay markabkan ay budhcad badeed ka af duubeen xeebta Somalia ayaa sheegay in ay ka dambeeyaan dad siyaasiyiin ah oo doonaya inay mushkilad ka abuuraan nabadgalyada xeebaha Somalia ee ay maxkamadaha islaamigu gacanta ku hayaan, waxaanu sheegay Xasan Daahir Aweys in dadka ku kaca falalka noocaas ah amaba taakuleeya in la marin doono xukunka shareecada islaamka ee qaadicul dariiq, kaas oo buu yidhi “wuxu noqon doonaa mid adag oo ay kaga caagaan inay cid dambe isku daydo fal noocan oo kala ah.”

Markabkan oo ay saarnaayeen sida la sheegay laba iyo toban qof oo shaqaale ah ee u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Itoobiya, manay sheegin wararku wax khasaare ah oo ka soo gaadhay dagaalkii budhcad badeedka iyo maleeshiyaadka maxkamadaha markii la soo furanayay markabkan.

Top


Kenth Ellison Oo Noqday Ninkii U Horeeyey Ee
Muslim Ah Ee Loo Doorto Congress-Ka Maraykanka

Minneapolis, November 9, 2006 (W. Wararka) – Kenth Ellison (Maxamed) oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee Muslim ah oo ka mid noqda aqalka wakiilada ee dalka Maraykanka.

Mr. Kenth ayaa waxa gacan ka siiyey sidii uu ugu soo bixi lahaa xubinimada aqalka Congress-ka qoomiyadaha kala duwan ee ku nool waqooyiga-bari ee degmada Minneapolis.

Ninkii isaga la tartamayay Alan Fine oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, isla markaana ka soo jeeda jaaliyada Yuhuuda ayaa isku dayay intii ololaha lagu jiray inuu ku cambaareeyo Kenth Ellison inuu xidhiidh la lahaan jirey hogaamiyihii Nation of Islam Mr Lewis Farrakhan, kaas oo uu ku eedeeyey inuu qabay xanuunka Yuhuud nacaybka (Anti Semitism), hase yeeshee golaha Yuhuuda Dimoqraadiga iyo Wargeyska codka dheer ee Minneapolis Jewish Newspaper, waxay taageeradooda siiyeen Mr Kenth Ellison.

Degaanka Mr Kenth laga soo doortay ayaa waxa hore ugu badnaan jirey qoomiyadaha ka soo jeeda Scandenivian-ka, Ruushka, laakiinse waxaa hada si weyn ugu sii badanaya Somalida iyo Spanish-ka Maraykanka ah.

Dalka Maraykanka ayaa isagu ah wadan ay aad u yartahay kaalinta siyaasadeed ee dadyowga laga tirada badan yahay, gaar ahaan Muslimiinta oo aan iyagu haynin xafiis qudha oo Muslim ah oo ay dawladu leedahay.

Dadka Somalida ah ee degan Minneapolis ayaa waxay si weyn u taageereen sidii uu ugu guulaysan lahaa Mr. Kenth inuu noqdo mudanaha aqalka Congress-ka u metela degmada Minneapolis, waxaanu ku balan-qaaday inuu wax ka qaban doono mushkiladaha Somalida.
Mr. Kenth waxa uu bilow u yahay sidii ay muslimiintu kaalintooda uga qaadan lahaayeen loolanka siyaasadeed ee dalka Maraykanka, kaas oo ah dalka dunida ugu saamaynta badan.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA:
“Maan Fileyn In Bileyska Somaliland Dadkooda Sidan Ula Dhaqmaan”
Cumar Maxamed – Qurba-jooga Somaliland ee dalka ku soo laabtay

Aniga oo ah muwaadiniinta qurba-jooga Somaliland, gaar ahaan dalka Norway, kana mid ahaa qurbo-joogii ka soo qayb-qaatay halgankii lagu riday taliskii Siyaad Bare, kana qayb-qaatay dib u dhiskii dalka ayaan waxaan kala kulmay caasimada Somaliland ee Hargeysa dhacdo ka mid ah wixii laga dagaalamay oo aanan marnaba kaba filayn dalka, waxayna ahayd sidan:

Waxay ahayd maalintii barakaysneed ee ciidal-fidriga, saacaduna waxay ahayd 11-kii subaxnimo, waxaanu ahayn aniga iyo nin aanu saaxiib ahayn, waxaanu wadanay gaadhi noociisu yahay MarkII, gaadhigaas oo aanu ka soo saarnay geerash, anaga oo doonaynay in aanu tijaabo ka soo qaadno, gaadhigana anaa waday. Haddaba marka aanu marayno Khayriyada Hargeysa horteeda ayuu gaadhigii naga bakhtiyey, aniga oo aan ka daganina waxaan muraayada ka arkay gaadhi bileys ah oo na daba taagan, markii aan ka soo degnay gaadhiga anaga oo doonayna in aanu hubsano cilada gaadhiga ayaa nin tuute xidhan oo saaran gaadhiga bileyska ayaa si kulul noogu yidhi wadada ka dhaqaaqa ma idinkaa leh, anigaa la hadlay waxaanan ku idhi adeer gaadhigu wuu xumaadee iska sug inta aanu wadada ka saarayno, ka dib wadadii waanu ka saarnay, waxaanu aragnay il-bidhiqsiyo gudahood baabuurkii bileyska oo na daba taagan, waxaanay nagu yidhaahdeen iyaga oo noo caga-juglaynaya meeshan aad taagan tihiin hada ka dhaqaaqa, anoo yaaban ayaan ku idhi wadadu way idiin banaan tahay hadaad maraysaan hooya furaha haduu idiin dhaqaaqayana, ileen bad baanu galnay oo libaaxyo aan lala hadal oo aan loo jawaabin ayaanu u jawaabnay, dadkii goobta tagnaa oo dhami waxay galeen maslaxad, taliye raali noqo, miyeydaan garanayn taliyayaasha waa aqoon la’aan ee raali noqda, malaha waa hogaamadii bileyska, ka dibna waxaanu bilaabnay in aanu gaadhigii dib u riixno, markaa wax wado ah oo aanu xanibnayna ma jirto, hadana waxay noo diideen fursad aanu ku hubsano cilada baabuurka, aniga waxa ii daaran cajalad xusuus ah oo waxa i-hortimi dhaqankii xumaa ee askartii Siyaad Bare iyo nimankaa ciidanka ahi sida ay noola dhaqmayeen iyo kibirka gardarada cadaanka ah. anigu waxa kale oo aan isweydiiyey dadku miyaanay ahayn kuwii dhaqanka noocan ah dhiiga siistay, aniga oo dhakofaarsan ayaan la hadlay dadkii nagu xoonsanaa ee taliye uun hayay, waxaan idhi horta allaa taliye ah ee dadyow keligii taliyaha idinkaa sameeya, miyaanay idiin muuqan anagoo muwaadiniin ah dirayska naloogu cago-juglaynayo ayaa aniga oo aad u cadhaysan waxaan u dhaqaaqayt xaga khayriyada, waxa iga daba yimid dhowr qof, waxayna igu wargeliyeen in lay dalbaday ciidan oo aan baxsado, waxaan u sheegay in aanan baxsanayn, isla goobtii waxaan kula kulmay nin ka mid ahaa dhalinyaradii UFO, kaas oo ahaa gudoomiyihii SNM ee Laanta Norway Axmed Muxumed Madar, isla waxyar ka dib ayaa inankii ila socday ii yeedhay oo uu igu yidhi ina keen gaadhigii wuu hagaagee, dhaqaaqaan ka dhaqaaqay Axmed ee aan u dhaqaaqay xaga gaadhiga ayaa xaga dhabarka waxa igaga yimid raxan bileys ah, waxaan ku war-helay feedhadh igaga dhacaya madaxa iyo qadaadka iyo labada nine e garbo-duubka ii haya, waxaana ka mid ahaa raggii igu boobay feedhka ninka gaaban ee madaw oo laygu yidhi waxa la yidhaahdaa Ina Fadal oo waa hogaanka hawl-gelinta bileyska, isla markiiba waxaan arkay inankii ila socday oo furihii gaadhiga laga qaaday oo gaadhigii bileyska lagu riday sidii joonyad bariis ah oo waliba jidh-dil lagu sameeyey, ana sidii tukhaantukho laygu waday oo aanan garanayn meel aan u socdo dawakhaad awgeed ayaa xoog laygu saaray gaadhayagii, waxa dhegahayga ku soo duulayay waa in aad dhiig matagtaan oon sharciga idin barnaa, sidii lanoo waday ayaa lana geeyey saldhiga dhexe oo dhowr unug oo bileys ah lanoogu diyaariyey, waxayna nagu yidhaahdeen ma nimankii hogaanada caayay baa, iyada oo haba yaraatee wax aanu geysanayba aanan garanayn, waxaana nala geeyey OP-ga saldhiga dhexe, waxaan ku war-geliyey in madaxa ay nabaro igaga yaalaan oo aan doonayo dhakhtar xaaladayduna aad u xun tahay, waxa ii jawaabay askarigii madaxa bakooradaha igaga dhuftay, waxaanu igu yidhi waar kani waa mid waalan, waanu sarkhaansan yahay laba hogaan baa haystoo markaasuu dhakhtar hadal hayaa.
Waxa OP-ga n agu soo gaadhay Axmed Muxumed Madar oo markii na lagu bilaabay aanu ka soo dhaqaaqnay oo yaabsan, nooguna yimid iyada oo nalagu xidhay meel tuug ku xidhan tahay oo dusha nalagaga qufulay, inyar ka dibna nimankii saldhigu waxay aqoonsadeen in sida wax loogu sheegay aanay arintu ahayn ee aanu nahay rag sharaf leh oo odayaal ah, waxayna naloo dhaqmeen si sharaf leh oo ixtiraam ku jiro.
Haddaba, waxa aad iyo aad ula yaab ahayd cidii xabsiga nagu soo booqaataaba waxay nagu tidhaahdaa nimanyahow waxa idin haysta laba hogaan, imikana hebel oo ay ina fadal ay isku fiican yihiin baanu u yeedhnay, wada hadal baa socda, arinkuna wuu adag yahay oo meesha sida lagu soo galaa way fudud tahay, sida looga baxaana way adag tahay, sidii laydanka soo dayn lahaa baana laydiinku jiraa afkaana juuq ha ka odhanina, waxaanan waayay cid ka hadlaysa nabaradan aan qabo iyo dulmigan, qof walibana aniguu ila yaabsanaa, iyaga oo igu lahaa kiiska laguu sameeyey waxa la doonayay saaka in laguu diro 15 cisho oo jeelka rumaan ah, cid ku wada hadlaysaana ma jirto.

Haddaba, waxaan xusuustay 2004-tii mar baasaboor laygaga xaday Hargeysa oo aan saddex bilood ka la’aa saldhiga dhexe madaxdii markaa joogtay oo markii dambena iigu jawaabay been hadaad saldhiga dib u soo gashana waanu ku xidhaynaa, waxaana iiga markhaatiyaal ah gudoomiyaha maxkamada sare ee ciidamada oo anoo jaah-wareersan igu yidhi adeer maxaa ku helay, markaan u sheegay dhibaatadii igu dhacdayna intuu OP-ga numberkii iiga soo qaaday, igana qoray wixii mashaakil iga qabsaday saddexda bilood, dabadeed isagoo aad iyo aad uga xun ayuu inta uu baabuurkiisii igu qaaday iina caqli celiyey ayuu janankii bileyska ii geeyey ee wakhtigaa, warbixintaydiina u dhiibay, hadalkii janankana waxaan ka xusuustaa shalay baan u qudbadaynayay oo halkan kula hadlayay oon lahaa dadka tacadiga ka daaya oo dadku waa dadkiiniiye wax u qabta oo idinkaa ciidan ah ee u dulqaata dadka.

Waan ka xishooday, wakhtigaa in aan saxaafada geliyo, waxaan is idhi dadka qurbo-jooga ah ee aad ogtahay niyada ay u hayaan dalkooda ha niyad jabin markii aan tegay safaarada Addis Ababa waxa laygu dhameeyey maalin sharcigii.

Hadal iyo dhamaan waxa igu adkaatay markii la ii sheegay in uu labadan nine e tacadiga intaa le’eg iyo xadhigaa meelin iyo habeenka ah iyo sharaf dhaca suuqa dhexdiisa ah lanagaga qaaday la nagu garaacay, la yidhi waxa ka sareeya jananka oo qudha, waan liqi waayay, waana kuwii loo ashkatoon lahaa. Sidaas darteed, waxaan doonayaa in layga jawaabo nimankaa dadka nacsinaya dawlada wixii ku khalifay dunuufta intaa le’eg ee gar iyo mag la’aanta ah, waana mid aan uga fadhiyo madaxda qaranka.

Top


Maxay TV-ga qaranka iyo Radio Hargeysa uga
gaabsadeen muwaadinka ka soo jeeda beelaha la
hayb-sooco ee rayiiskiisii ku shuf beelay

Aniga oo ah Suld. C/risaaq Xuseen Xariir, waxaanu qaylo-dhaan iyo cabasho ka muujinaynaa ninka muwaadinka ah ee magaciisu yahay C/naasir Siciid Odowaa oo taariikhdu markay ahayd 3/11/06 habeenimadii Jimcihii abaaro 4:30 habeenimo ku gubtay sandaqad Rayiisle ah oo uu ku lahaa xaafada Xero-Awr.

Waxa wax laga murugoodo ah dhowr arimood oo kala ah sandaqadu way dhalaashay, marxuumkuna wuu ku bas-beelay, maxaa jaarku u bakhtiin waayeen, waxay ahayd xiligii salaada loo kacayay. Waxa kaloon quudhsi iyo yareysi aanu u aragnaa Tv-ga qaranka iyo Raadio Hargeysa ay u sheegi waayeen ee ay warka ugu soo dari-waayeen, waayo shil kastoo dhaca Idaacada waa laga sheegaa, maxay u quudhsatay muwaadinka gubtay.
Waxa kaloon quudhsi u aragnay in ilaa hada aan qof qudha aan loo xidhin oo baadhistii laga gaabsaday, waayo arin kastoo dilloo dhaca cid baa loo xidhaa, maxaa loo quudhsaday baadhista muwaadinka gubtay.
Suldaan C/risaaq Xuseen Xariir
Afhayeenka Beesha La-Hayb-sooco ee Togdheer –
Muuse Nuur Samriye.

Top


Is Adkayn Rag Wuu Ku Talo Seegaa
Dumarna Waa Ku Tag Seegaan

Anigoo ah muwaadin u dhashay jamhuuriyadda Somaliland, jecelna wax kasta oo Somaliland u wanaagsan horumarkeeda ayaa waxan halkan doonayaa inaan ku cabiro fikir aan qabo inuu yahay caqabad ku soo korodhay dalka Somaliland, isla markaana ay ila waadaagaan inta nasteexa u ah Somaliland.

Haddaba haddii aan u gondo daadego ujeedada hadalkayga, waxan aad iyo aad ula yaabay waxa ay ku kacday xukuumadeenu ee aan loo dul qaadan karin. Goorma ayaynu aragnay xukuumad ganacsatadeedii dalka shirkad ajaanib ah u dabarta halkii iyaga loo dabri lahaa shirkadaha shisheeye, balse ma ogtahay in shirkada wadaniga ahi ahmiyadda ka leedahay shirkadaha kale sida muwaadinku uga horeeyo ajaanibka. Haddaba iyadoo waxaas oo dhami jiraan, ayaan haddana laga helin dalkeena, waxaana ugu wacan xukuumada Madaxweyne Rayaale.

Sidaynu wada ogsoonahay waxa sanadihii hore dalka soo food saartay shidaal yari fara badan oo soo noqnoqonaysay, sababteedana ay lahayd shirkadda TOTAL ee xuurtada ku haysata haamaha shidaalka ee Berbera, laakiin shicibku fahmay in shirkadda TOTAL ku tagri falayso shidaalka oo siday doonto uga iibiso dadweynaha, ayaa waxa dhacday in xukuumadu 13th June 2006 ee sanadkan ku dhawaaqdo in muwaadin kastaa keeni karo shidaalka si looga baxo shiidaal yarida dalka.

Haddaba waxa dhacday in shirkadda Al-Xarbi Trading Company oo qaadatay ruqsadii shidaal keenista kana qaadatay wasaaradda Ganacsiga, ayaa waxay keentay shidaal bishii hore, iyadoo uu siduu sharcigu dhigayo lagu shubayo haamaha Shiidaalka Ee Berbera. Shirkadda Al-xarbi iyo Labada Shirkadood ee kala ah TOTAL iyo Red-Sea waxaa u wada sidday shidaalka markab qudha, kaas oo ku soo xidhay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, waxaana laga shubay shidaalkii uu u sidday labada shirkadood ee kala ah TOTAL iyo Red-Sea, halka shidaalkii kale ee AL-XARBI ay diidday TOTAL in laga shubo, ujeedada ay u diidayna tahay shidaalka jaban ee shirkaddu keentay Dalka, kana xun muwaadinkaa u damqaday shicibkiisa ilayn iyadaa xuurtada ku haysatay shiidaalkee.

Haddaba waxay su’aashu tahay TOTAL ma waxay doonaysaa in iyada ruqsada Shidaalka laga qaato ilayn waa tan ruqsadii xukuumaddu siisay shaqayn waydee? Haddii aan ka jawaabo su’aashaas, waa MAYA ee waxay garab ka helaysaa xukuumadda oo la og gardarada TOTAL. Akhriste miyaanay dawladeena sharaf dhac ku ahayn iyadoo ruqsadii ay bixisay shaqayn wayday. Laakiin waxa marag ma doonto ah in Madaxweyne Rayaale raali ka yahay ku tumashada TOTAL ay ku tumanayso sharciga iyo Dalka.

Geed baa waxa laga hayay Gudiyahay hadaan badhkay kugu jirin imaad goyseen, waxaanan uga socdaa TOTAL haddaan lala ogayn waxba may joojin karteen. Waxaana daliil cad u ah ergadii isugu jirtay guurtida, Baarlamaanka, Wasiirada iyo Cuqaasha ee waday in markabka shidaalka ku cadilan saddexda toddobaad laga shubo, balse uu ku gacan saydhay Madaxweyne Rayaale.

Haddaba waxaan leeyahay mudane Mudaxweyne Rayaale, is adkayn Rag waa ku talo seegaa, Dumarna waa tag seegaan, ee meesha ha ku talo seegin, shirkadana u fasax in shidaalka inay si habsami ah ugu shubato haamaha, tallaabo cadna ka qaad shirkadda TOTAL ee haamaha isa siisay ilayn shirkadda AL-Xarbi sifadii sharciga ahayd bay martee.
Haddii ay TOTAL iyaduna bixiso ruqsad aan ka dawladda ahayn oo aan la’aantii waxba soconayn laguna xanibaayo shirkadaha kale, mudane Madaxweyne shicibka u soo bandhig sifada loo marayo ha kula arkaane, ilayn sidani si maahee.

Mudane madaxweyne, bal eeg sanadkii 2004 markii ay dheceen abaaruhu ee aad ugu baaqday Ganacsatada waaweyn iyo mid dhexaba inay ka qayb qaataan dhaqaalaha loogu ururinaayo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, miyaanay Al-Xarbi Trading Company Illaahay raali ha ka noqdee hormood ka ahayn bixinta Tobanaan kun oo Dollar, halka Total waa waxay bixisaaye aanay litir Bartoola ku deeqin.

Haddaba waxan ku soo gebagabaynayaa maqaalkaygan, mudane Madaxweyne noqo mid raali geliya shicibkiisa iyo ganacsatadiisaba, kuna raali geliya wixii wanaagsan, ogowna ganacsataada waligaa waad wada joogaysaan, TOTALna beriba way iska tegi.
Wabilaahi Tawfiiq
C/raxmaan Xaaji Nuur Cismaan, Hargeysa

Top


Madaxweyne Hal Xaaraan Nirig Xalaala Ma Dhasho

Marka hore madaxweyne waxaan kugu hambalyaynayaa khudbadii qiimaha lahayd ee aad ka jeedisay xuska aasaaska Bileyska JSL, khudbadaas oo u quus goysay kuwa u qiirooda bil saddexda Xamar ka soo if baxday ee aan la hubin inta ay jirayso, kuwaas oo weliba barbar dhiga Somaliland oo midhaheedii la goosanayo.

Intaa ka sakow mudane Madaxweyne kama tirsani Xisbiyada Dalka welina Madaxtooyada cagahayga kumaan soo gelin, laakiin talooyinkaygu way ku soo gaadhaan, waxaan u ololeeyaa Somaliland siday wax jira u noqon lahayd, si aan aniguna wax uga noqdo intay doonto ha gaadhee.

Sidaa daraadeed Mudane waxaan go’aansaday inaan wixii wanaagsan aan kugu taageero, wixii qaloocana aan u soo bandhigo si ay iigu hirgasho Himilada iyo yoolka aan hiigsanayo.
Isku soo wada duuboo, Shirkadda TOTAL waxaad moodaa inaad ka jeceshahay dalka iyo dadkaba, waayo go’aan kasta oo shirkada TOTAL ka soo baxa oo dadka iyo dalkuba ka qayliyo kama JIXIN-JIXDID, kamana ARXANTID, sababtoo ah shirkadda TOTAL adigay ku hoos timaadaa, waxayna u muuqataa marka hore inaad go’aanka wax lagu kordhinayo isla gaadhaan wixii qaylinayana yeelkooda, waayo mar uunbaad wax ka qaban lahayd waxa laga qaylinayo.

Imika iyo haatana waxaad fasaxday in shidaalka meel kasta laga keeni karo, markii la keenayna waad diideen idinkoo ku andacoonaya shirkada TOTAL fasax lagama haysto, oo haddii shirkaddan yar ee Ajaanibka ah ee xilkeedii gabtay fasax laga qaadanayo maxay Xukuumaddu baaqa shidaalka u soo saartay ee shirkaddu ugu baaqi wayday? Shidaalka muwaadinku keenay ee TOTAL fasax ka haysan waa sharci daro ayaa la yidhi, laakiin shirkada TOTAL lafteedu waa sharci daro waxay ku shaqaysaa oo waa kii Baarlamaanku diiday in uu Ansixiyo, HAL XAARAAN AHINA NIRIG XALAALA MA DHASHO.

Mudane Madaxweyne, haddii muwaadinkaasi tanaasulaad u samayn waydo oo sidii hore lagaaga bartay TOTAL gar iyo gardaraba is dhinac taagto, waxay u muuqanaysaa NIN SHIRKADDA TOTAL DANTA UU KU QABO KA JECEL DADKII SOO DOORTAY IYO DALKA AAD MADAXWEYNAHA KA TAHAYBA
Mowliid Axmed Jibriil, Hargeysa, Somaliland

Top