|
Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Guulo Ka Soo Hooyey
Safar Ay Ku Joogeen Dalka Britain
9 November: Xuska Sannad-Guuradii 8aad Ee Ka Soo Wareegtay
Geeridii Aabihii Saxaafadda Madaxa
Banaan Ee Somaliland [Maxamuud Cabdi Shide]
Agaasimaha TV-ga qaranka Oo Sheegay
Inuu Isagu Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Istuudiyaha Telefiishankaas
Ciidanka Taraafikada Oo Dadweynaha
Boorama Ku
Wargeliyey Inaan Darawaliinta Loo Raaci Doonin Carruurta Dabada Qabsata
Baabuurta Ee Dhibaato
Soo Gaadho
Tartan Quraan Akhris Ah Oo Lagu
Abaalmariyey Gabdho Ku Guuleystay Kaalmaha Ugu Horreeya
Guuldaro Uu Kala Kulmay Xisbiga
Jamhuurigu Doorashadii
Maraykanka Oo Galaafatay Xoghayihii Difaaca
Maxkamadaha Muqdisho Oo Gacanta Ku
Dhigay Markab Ay Budhcad-Badeed Ku Af-Duubeen Xeebaha Somalia
Kenth Ellison Oo Noqday Ninkii U
Horeeyey Ee
Muslim Ah Ee Loo Doorto Congress-Ka Maraykanka
ODHAAHDA AKHRISTAHA:
“Maan Fileyn In Bileyska Somaliland Dadkooda Sidan Ula Dhaqmaan”
Cumar Maxamed – Qurba-jooga Somaliland ee dalka ku soo laabtay
Maxay TV-ga qaranka iyo Radio Hargeysa
uga gaabsadeen muwaadinka ka soo jeeda beelaha la
hayb-sooco ee rayiiskiisii ku shuf beelay
Is Adkayn Rag Wuu Ku Talo Seegaa
Dumarna Waa Ku Tag Seegaan
Madaxweyne Hal Xaaraan Nirig Xalaala
Ma Dhasho
|
|
Shirgudoonka Golaha Wakiilada
Oo Guulo Ka Soo
Hooyey Safar Ay Ku Joogeen Dalka Britain |
“Waxa nalagu sii qadarinayay annagoo ka
soconay Baarlamaan si xor ah loo soo doortay oo waliba mucaaridku
aqlabiyadda leeyahay” C/Casiis Samaale
Cardiff, UK, November 9, 2006 (Haatuf) – Gudoomiyaha Golaha Wakiilada
Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo ku-xigeenkiisa
koowaad Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa kulan ay maalintii shalay ku
booqdeen aqalka baarlamaanka gobolka Wales ee UK, maamuus ahaan loogu
fadhiisiyay mambarka kuraasta shirgudoonka golahaasi fadhiisto, iyada oo
weftiga reer Somaliland lagu marti-geliyay inay ka qayb-galaan fadhi ay
baarlamaanka Wales ay xukuumadooda Salaasa kasta su’aalo golaha dhexdiisa
ku weydiiyaan.
Agaasimaha xafiiska Jaaliyadda Somaliland ee Welishka ahaana Isu-duwaha
booqashada weftiga Somaliland ee Cardiff oo Haatuf shalay uga xog-waramay
kulankan ayaa sheegay in mudaneyaasha aqalka Baarlamaanka Wales ay sacabka
aad u tumeen markii makrafoonka golaha dhexdiisa laga baahiyay inay marti
ahaan fadhiga maanta [shalay] ula joogaan madaxda baarlamaanka Somaliland
iyo wefti ay hogaaminayaan, sharaxaad dheeraad ahna laga bixiyay sida
dimuqraadiyaddu uga hana-qaaday Somaliland iyo doorashooyinkii ka dhacay
ee ta golaha wakiiladu ugu dambeysay.
Wafdiga Somaliland oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan jaaliyadda
Somaliland, waxa si diiran aqalka baarlamaanka ee Wales ugu soo dhaweeyay
Lord Thomas oo ah Afhayaha Golaha (Speaker) iyo madaxda shaqaalaha ee
golahaasi, waxaana xubnaha weftiga muddo laba saacadood ah lagu soo
wareejinayay aqalka Baarlamaanka Wales, iyada oo loo sharxayo hawlaha
goluhu qabto, nidaamka uu ku shaqeeyo iyo qaybaha kala gedisan ee uu ka
kooban yahay.
Qaybtii dambe ee barnaamijkan gudoomiye Cirro iyo ku-xigeenkiisa Mr.
Samaale, waxay ka qayb-galeen kulan xiiso lahaa oo ra’iisal-wasaaraha
xukuumadda Walesh-ka Mr. Rhodri Morgan, ay Xildhibaanadu su’aalo ku
weydiinayaan baarlamaanka hortiisa, taas oo ay xubnaha weftiga Somaliland
uga kordheen waayo-aragnimo iyo aqoon la xidhiidha habka ay baarlamaanka
iyo xukuumaddu u wada shaqeeyaan, iyada oo mid walba waajibaadkiisa
gudanayo.
Cabdul-Kariim Aadan oo xusaya waxyaabaha xiisaha lahaa ee ka soo baxay
booqashada aqalka Baarlamaanka Wales, waxa uu sheegay in dhammaan
mudaneyaasha afarta xisbi kaga jira Baarlamaanka iyo xukuumadduba ay ka
mideysnaayeen oo ay isku raacsanaayeen in la taageero qadiyadda
Somaliland.
Dhulka ay degan yihiin dadka Welish-ku oo ismaamul-goboleed ku hoos taga
dalka Britain, wuxuu Somaliland la leeyahay xidhiidh taariikhi ah iyadoo
aqalka Baarlamaanka Wales oo magaciisa loo yaqaano “Sened” uu labada
gudoomiye ee Baarlamaanka Somaliland ku casuumay si la mid ah
baarlamaanada kale ee dalalka ururka Barwaaqo-Sooranka (Commonwealth)
furitaankii dhisme cusub oo aqalka Sened-ka loo dhisay, kaas oo xadhigga
laga jaray 1-dii bishii March ee sannadkan 2006.
Cabdicasiis Samaale oo aanu shalay khadka telefoonka kaga xog-waraysanay
waxyaabihii uga qabsoomay kulamadii ay la yeesheen masuuliyiinta
baarlamaanka iyo xukuumadda Wales, waxa uu sheegay inay wada-hadal qoto
dheer la yeesheen Afhayaha Sened-ka iyo gudoomiyeyaasha guddi-hoosaadyada
baarlamaanka, kuwaas oo dhammaantood ay kala hadleen qadiyadda ictiraafka
Somaliland, isla markaana ay uga warameen marxaladihii dalku soo maray iyo
ta maanta uu ku jiro iyo waliba xaaladaha ka jira wadamada mandaqadda,
waxaanu Md. Samaale yidhi: “Waxaanu kala hadalay waxyaabaha ay
baarlamaankeenan curdinka ah la qaban karayaan, arrimihii aanu isla
qaadanayna waxa ka mid ahaa inay naga caawiyaan tababaro la siinayo
Xildhibaanada iyo guddiyada madaxdooda, waxaana laga yaabaa in wakhtiyada
soo socda ay hawshaasi bilaabanto, arrimahaasna waxa koley sii daba socon
doona oo halkaa ka sii amba-qaadi doona Cabdul-Kariim iyo qolyaha halkan
jooga, run ahaantiina gobolka Wales markaad eegto qadiyadda Somaliland
meel wanaagsan bay ka taagan yihiin.”
Mr. Samaale waxa kale oo uu sheegay in baarlamaanka Wales ay ku
marti-qaadeen inuu wefti u soo diro Somaliland, taas oo ay ka aqbaleen.
Balse wuxuu sheegay in booqashadaasi ay suurto-gal noqon doonto kadib
marka ay ka faraxashaan diyaar-garowga iyo ololaha doorashooyinka
baarlamaanka ee Wales ka dhici doonta bisha May 2007.
Waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee weftiga Xildhibaanada Somaliland u qabsoomay
waxa ka mid ahaa iyada oo baarlamaanka Wales ay isla qaateen inay
guddi-hoosaad gaar ah oo ka hoos shaqayn doonta guddida Arrimaha Dibadda
ee golaha loo saaro arrinta Somaliland oo ay xidhiidh kala samayso
baarlamaanka dhexe ee London (House of Commons) iyo (House of Lords).
Cabdul-Kariim Aadan oo fasiraad ka bixinaya faa’iidada guddi-hoosaadkan
gaarka ah, waxa uu yidhi: “Guddidani waxay ka koobnaan doontaa xubno ka
tirsan dhammaan xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ka jira heer gobol iyo mid
qaran-ba, waxaanay isku taxalujin doonaan sidii wararka qadiyadda
Somaliland u baahin lahaayeen, isla markaana uga dhaadhicin lahaayeen
xubnaha xisbiyadooda kaga jira dawladda iyo baarlamaankaba sidii ay
taageero u siin lahaayeen Somaliland xag siyaasadeed iyo dhinac dhaqaaleba.”
Waxa kale oo weftiga Somaliland u suurto-galay inay la kulmaan masuulka
dawladda Wales-ka u qaabilsan kaalmooyinka dibadda, kaas oo ay isku
afgarteen in gobolka Wales uu si gaara u caawiyo Somaliland.
Wafdiga Somaliland kadib markii ay dhamaysteen booqashadii baarlamaanka
gobolka Wales, waxa lagu soo dhaweeyay qado-sharaf uu sameeyay Afhayaha
Baarlamaanka Wales, Hon. Dafiyed Elis_Thomas, waxaana ka qayb-galay
Mudaneyaal ka kala socda xisbiyada Labour-ka, Conservative-ka, Liberal-ka
iyo Wales party, waxaa isna ka soo qayb-galay madaxa guddida xidhiidhka
arrimaha dibadda ee baarlamaanka Wales Mr. John Grievs.
Isla shalay gelinkii dambe weftiga Somaliland wuxuu la kulmay
Ra’iisal-wasaaraha Wales, iyadoo ay ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka
Soamliland iyo Wales.
Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Somaliland,
waxay booqashadoodan dalka UK bilaabantay horaantii bishan, iyada oo ay
xarunta aqalka hoose ee Baarlamaanka (House of Commons) ee magaalada
London kula kulmeen ku-xigeenka Afhayaha Golahaas, Hon. Sylvia Heal, JP.
Waxa kale oo bishan labadeedii ay xarunta Baarlamaanka ee London kula
kulmeen guddida Mudaneyaasha Baarlamaanka ee taageera Somaliland, taas oo
uu gudoomiye ka yahay Xildhibaan Allun Michael, Xoghayana ay ka tahay
Xildhibaanada Kerry McCarthy.
3-dii bishan weftigu waxay la kulmeen masuuliyiin ka tirsan wasaarada
dalka Britain u qaabilsan kaalmada dibadda.
Mr. Samaale oo kulankaas ka hadlaya wuxuu yidhi: “Waxay noo sheegeen inay
Afrika u hayaan lacag aad u farabadan oo kaalmo ah. dadka aanu halkaas
kula kulanay waxa ka mid ahaa gabadh hore Somaliland u timid. Dhibta ina
haysataa waxa weeye maadaama Somaliland aan weli la ictiraafin, waxay
kaalmada inoo soo marinayaan hay’adaha, waxayse sheegeen inay kaalmo badan
Somaliland hore u siiyeen imikana ay mid tii hore ka badan siin doonaan,
waxaanay naga aqbaleen inay Somaliland wefti u diraan. Waxa kale oo
kulamadii aanu madaxda baarlamaanka iyo dawladda dhexeba la yeelanay
horraantii bishan nagala qayb-galay Lord Anderson oo Hargeysa laba cisho
oo qudha ka sokeeyay markii aanu madaxdaas la kulmaynay, waxaanu warkii uu
Lord Anderson ka sheegay Somaliland sii adkeeyay kii aanu anagu warbixinta
ku siinay iyadoo uu Lord-ku u muuqday nin aad ugu ololaynaya Somaliland.”
Mr. Samaale wuxuu sheegay inay masuuliyiinta ay la kulmeen ka dareemayeen
tixgalin iyo qadarin siyaado ah oo ay ku mutaysanayso nabadda, axsaabta,
dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka ka hirgalay.
Waxa kale oo Md. Samaale uu carabaabay in xaaladaha ku soo kordhay
mandaqadda Geeska Afrika, marka la eego dhinac walba ay arrinta Somaliland
ka dhigeen mid mudnaan iyo ahmiyad weyn la siinayo oo xataa dad badani ay
haatan leeyihiin waa in Somaliland degdeg loo ictiraafo.
Mud. Samaale isagoo arrintan ka hadlaya iyo guud ahaanba kulamadii ay la
yeesheen madaxda dawladda iyo baarlamaanka UK iyo gobolka Wales, waxa uu
yidhi: “Markaas ololahaas oo aynu sii xoojino oo intaas ka sii bata oo
gacmaha lays qabsado oo loo midoobo qadiyadda Somaliland, qof walbana uu
qabto waxa uu qaban karo ayuun bay midho ku dhalan karaan. Annagana runtii
qiime weyn bay noo lahayd sababtoo ah dee dad la soo doortay uun baanu
runtii metelaynay, taas lafteeduna qiime weyn bay u samaynaysay dadkan
aanu la kulmayno, aad iyo aad baa warkayaga loo dhegaysanayey marka loo
eego sida ay u adagtahay inay ka hirgasho meelo badan oo Afrika ka mid
tahay baarlamaano si xor ah loo soo doorto oo ku fadhiya kalsoonida
shacbiga, waxaananu gaadhsiinaynay ummaddaha fariintii loo baahnaa in la
gaadhsiiyo, annagoo shacbigii iyo dhammaan ummadda reer Somaliland ka
wakiila. Waxa lanagu sii qadarinayay annagoo ka soconay baarlamaan si xor
ah loo soo doortay oo weliba mucaaradku aqlabiyadda leeyahay, taas oo ay
ku faraxsanaayeen dhammaan dadkii aanu la kulanay oo la-yaabna ku ahayd in
waxyaabaha Somaliland ka hirgalay ee naadirka ku ah Afrikada kale.”
Mudane Samaale waxa kale oo uu sheegay in ujeedada socdaalkoodu uu ahaa
inay u ololeeyaan qadiyadda Somaliland, dhinaca wanaagsana iska taagaan
marka wax laga weydiiyo xukuumadda, waxaanu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay
oo uu yidhi: “Qadiyadda Somaliland, waxaanu isleenahay meel wanaagsan ayuu
run ahaantii gaadhsiiyay.” Wafdiga
baarlamaanka Somaliland intay ku gudo jireen booqashadoodii dalka Britain
waxay la kulmeen Jaaliyadaha Somaliland ee kala degan London iyo Cardiff.
Waxa kale oo magaalada Cardiff weftiga casho sharaf ugu sameeyay Iid Cali
Salaan oo ah gudoomiyaha ururada reer Somaliland ee degan Yurub.
Wafdigu waxay mahadnaq ballaadhan u soo jeediyeen dhammaan xubnaha guddida
Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff, sidii wacnayd ee ay u soo dhaweeyeen,
una tabantaabiyeen booqashadii weftigooda ee ku dhamaatay guusha.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay
ka soo ambabaxay dalka Britain isagoo u soo jeeda dhinaca Somaliland oo
maanta la filayo inuu Hargeysa ka soo dego, iyadoo isla duulimaadkaas la
sheegay inay la socdaan Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe iyo
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Aw Cali, hase yeeshee Gudoomiye ku-xigeenka
1aad Cabdicasiis Samaale ayaa weli ku sugnaan doonaa dalka UK, isagoo
maalinta Sabtida uu la kulmi doono jaaliyadda Somaliland ee degan
magaalada Bristol. Sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa jaaliyadda reer
Somaliland ee degan Birmingham maalinta ku xigta ee Axadda. Top
9 November:
Xuska Sannad-Guuradii 8aad Ee Ka
Soo Wareegtay Geeridii Aabihii Saxaafadda Madaxa
Banaan Ee Somaliland [Maxamuud Cabdi Shide] |
“Cidna Uga Habran mayno qoraalka wararka
aanu xaqiiqadooda hayno”
“Haddii aanu ku guulaysano halganka [SNM] dalkani wuxuu noqon doonaa
dal madax banaan oo la yidhaahdo Somaliland” Wareysi uu Marxuumku Siiyay
1988 idaacadda BBC-da
Hargeysa, November 9, 2006 (Haatuf) – Maanta oo ay bishu tahay November 9,
2006 oo ku beegan sannad-guuradii 8-aad ee ka soo wareegtay maalintii uu
geeriyooday Aabihii Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland Marxuum
Maxamuud Cabdi Shide oo maanta oo kale sannadkii 1998 ku geeriyooday
magaalada Hargeysa, ayaa si weyn looga xusi doona Somaliland, sidoo kalena
isla maalintan [November 9] waxaa ku beegan maalintii loo aqoonsaday
maalinta Saxaafadda Madaxa Banaan ee Somaliland, taas oo maamuus ahaan
loogu beegan maalintii uu geeriyooday Maxamuud Cabdi Shide.
Xaflad lagu xusay munaasibaddan ayaa maanta lagu qaban doono Hoteelka
Xaraf ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb-geli doonaan dhammaan
warbaahinta madaxa banaan iyo kuwa dawliga ah, waxaana halkaas lagu soo
bandhigi horumarka saxaafadda Somaliland ay gaadhay iyo doorkii uu ka soo
qaatay Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa Aabihii Saxaafadda Madaxa
banaan ee casrigan ka hana-qaaday Somaliland.
Alla ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdi Shide oo ahaa gudoomiyihii
Shirkadda NPP ee soo saari jirtay Wargeysyada Jamhuuriya iyo The
Republican, ayaa lagu xusuustaa doorkii muhiimka ahaa ee uu halgankii SNM
hormoodka ka ahayd ee lagu xoreeyay Somaliland kaga soo qayb-qaatay doorka
warbaahinta, isagoo wakhtigii dagaalkii u dhexeeyay mujaahidiintii SNM iyo
Taliskii Maxamed Siyaad Barre uu socday warbaahinta dunida ku soo
bandhigay filimo dhokumentari ah oo ka soo duubay xasuuqii iyo duqayntii
loo geystay shacbiga reer Somaliland, kuwaas oo rayul-caamka dunida
indhahooga tusay waxyaabihii ay ku samaynaysay dawladii Siyaad Barre dadka
rayidka, taas oo ay daboolka saaraysay kana qarinaysay indhaha caalamka
burburkii iyo duqayntii bahalnimada ahayd ee uu taliskaas kula kacay
shacbigiisa. Waxaanay arrintaasi waxtar weyn u yeelatay halgankii
hubaysnaa ee uu ururkii SNM kula jiray taliskii macangaga ahaa ee Siyaad
Barre.
Marxuum Maxamuud Cabdi Shide, waxa kale oo lagu xusuustaa doorkii uu ka
qaatay gooni-isu-taagii Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo ka mid ahaa
hal-doorkii aadka ugu adkaa inay Somaliland xornimadeedii dib ula soo
noqoto iyo sidoo kale doorkii uu ka qaatay nabadayntii beelaha Somaliland,
hub ka-dhigistii, dib-u-dejintii Mujaahidiintii SNM iyo sal-u-dhigidii
hanaanka dawladnimo ee Somaliland, isagoo hantidiisii gaarka ahayd u huray
taaba-gelinta qaar ka mid ah hay’adaha dawladda, xilligaas oo aanay jirin
dhaqaale gacanta dawladda ku jiray.
Alla ha u naxariistee waxaa lagu xusuustaa Marxuum Maxamuud Cabdi Shide
kaalintii udub-dhexaadka u ahayd saxaafadda casriga ah ee Somaliland,
isagoo ahaa shaqsigii ugu horeeyay ee Madbacad casriya keena dalka
Somaliland, isla markaana ku soo saaray wargeyska Jamhuuriya markii ugu
horeysay nooca maanta loo daabaco Wargeysyada Somaliland, isagoo ka
horumariyay noocii hore ee ay wargeysyadu ku soo bixi jireen oo ahaa
istensal (A4 size). Sidoo kalena waxa lagu xusuusta doorkii uu ku lahaa u
dhaqdhaqaaqa iyo meelmarinta xoriyatul-qawlka Maxamuud Cabdi Shide, waxa
kale oo uu kaalin lama ilaawaan ah ka soo qaatay dhiirigelinta
dhalinyarada ee dhinaca ciyaaraha.
Alla ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Shide, waxa uu sannadkii 1948 ku
dhashay magaalada Hargeysa, waxaanu waxbarashadiisii u horeysay ka
bilaabay dugsiga Sheekh Baraawe ee magaalada Hargeysa, isagoo
waxbarashadii dugsiga hoose iyo dhexe ku qaatay dugsiga Tereedhiska ee
Hargeysa, waxaanu waxbarashadii dugsiga sare ku qaatay dugsigii sare ee
Camuud.
Marxuum Maxamuud Cabdi Shide waxa uu shaqadiisii u horeysay imtixaan ugu
galay sannadkii 1968 isagoo 20 jir ah Bangigii Ganacsiga ee Somalia,
waxaanu ku guulaystay inuu ka mid noqdo shaqaalihii ugu horeeyay markii ay
dawladii Siyaad Barre la wareegtay Baananka isagoo xisaabiye ka noqdo
Baankii magaalada Marka. Hase yeeshee waxa uu shaqadaas ka tegay 1972,
kadib markii ay u cuntami wayday inuu la sii shaqeeyo dawladii milateriga
ahayd ee Siyaad Barre, waxaanu u haajiray dhinaca wadamada Bariga Afrika,
sida Uganda, Kenya, Tanzania iyo dalka Sudan oo uu muddo dhowr sannadood
ah ku noolaa.
Sannadkii 1974 ayuu Marxuum Maxamuud Cabdi Shide u tacabiray dhinaca
wadamada Khaleejka Carabta, gaar ahaan Sucuudi Carabiya, halkaas oo uu ka
aasaasay shirkad weyn oo dhismaha ah oo qandaraasyada caalamiga ah qaadan
jirtay. Hase yeeshee sannadihii sideetamaadkii waxa uu Maxamuud Cabdi
Shide ka mid noqday ururkii SNM, kaas oo uu masuul uga ahaa ururinta
taageerada dhaqaalaha loogu ururinayay ururka SNM ee dalalka Khaleejka.
Sannadkii 1986, waxa uu Maxamuud bilaabay inuu halgankii hubaysnaa ee SNM
si toos ah ugala qayb-qaato mujaahidiintii safka hore ee jiidaha dagaalka,
isagoo dagaalka kaga qayb-qaatay Kamarad Fiidyow ah uu la dhinac galay
mujaahidiintii qoryaha ku hubaysnayd, halka ay dadkeenu u yaqaanaan
dagaalku inuu yahay ka qoriga oo keli ah, balse markii dambe la ogaaday in
dagaalka warbaahintu [Media] ka khatarsan yahay ka qoriga, waxaanu
Marxuumka lagu xasuustaa hal-ku-dhegii uu arrintaas kaga jawaabay markii
ay qaar ka mid saaxiibadiisii halganku kula taliyeen inuu qori qaato oo
kamarada iska dhigo, waxaanu yidhi: “Aniga qorigayga [Kamaradayda] ayaa ka
tiiro dheeraan doonta qoryaha aad sidataan.”
Waxa kale oo ka mid ah waxyaabaha mucjisada ah ee lagu xusuusto Maxamuud
Cabdi Shide, wareysi uu sannadkii 1988 siiyay idaacadda BBC-da, laanta
Afka Ingiriisiga, kaas oo su’aalihii la weydiiyay ay ka mid ahayd ‘waa
maxay ujeedada ururka SNM u dagaalamayaa iyo qorshaha u yaalla haddii ay
SNM dagaalka ku guulaystaan?’, waxaanu Marxuumku ku jawaabay oo uu yidhi:
“Ururka SNM wuxuu ka dagaalamay xasuuq iyo tacadi uu kula kacay Rajiimkii
Siyaad Barre dadka gobolada Waqooyi [Somaliland], haddii aanu ku
guulaysano halgankana dalkani wuxuu noqon doonaa dal madax banaan oo la
yidhaahdo Somaliland, kana go’I doona koonfurta Somalia ee aanu la
midownay 1960 markii aanu xoriyada qaadanay.” Top
Agaasimaha TV-ga
qaranka Oo Sheegay Inuu Isagu
Bixiyay Qandaraaska Dhismaha Istuudiyaha Telefiishankaas |
Hargeysa, November 9, 2006 (Haatuf) –
Agaasimaha Guud ee TV-ga qaranka Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay inuu
saxeexay heshiis qandaraas ah oon soo marin hay’ada qandaraasyada qaranka
oo lagu dayactirayo dhismaha Tiyaatarka Idaacada oo ku kacaya $11,469
dollar, isaga oo intaa ku daray in heshiiska qandaraaska dhismahaas uu la
galay maamulka shirkada dhismaha ee Unicco oo uu sheegay in xayaysiis ay u
sii daayaan, kaas oo kharashka dhismahaas ku baxaya u goosan doonaan.
Sidaana waxa uu agaasimaha guud ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku
qabtay xafiiskiisa, kaas oo uu sidoo kalena jawaab kaga bixiyey war ku
saabsanaa dhismayaal si sharci darro ah qandaraaskooda loo siiyey shirkada
la yidhaahdo Hope oo uu ku jiro dhismaha Tiyaatarka Tv-gu, taas oo la
sheegay in qasriga madaxtooyada looga soo ogolaaday, balse agaasimaha guud
ayaa isagu sheegay in shirkada ay qandaraaska dhismaha la galeen tahay
shirkada Unicco, balse aanay ahayn Hope, isaga oo dhinaca kalena halkaasi
ka qirtay in heshiiska qandaraaska uu isaga laftiisu saxeexay, isla
markaana aanay madaxtooyadu wax shuqul ah ku lahayn, isaga oo hadalkiisana
ku soo bandhigay nuqul ka mid ah heshiiska qandaraaska ay wada galeen
shirkada.
Agaasimaha guud ee Tv-ga qaranku wuxu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan
shirkan jaraa’id jawaab kaga bixinayaa maqaalkii wargeyska Haatuf ku soo
baxay maalintii doraad, taan ka jawaabayaana waxa weeye dayactirka
dhismaha Studeo-ga Tv-ga oo ay yidhaahdeen madaxtooyada ayaa eex samaysay
oo nin gaar ah siisay. Horta mashruucani maaha mashruuc ay dawladu
bixinayso oo ku jira miisaaniyada dawlada, hadaanu Tv-ga qaranka nahay
waxaanu heshiis la galnay shirkada dhismaha ee UNieco, ninka la yidhaahdo
Eng. C/qaadir Iimaan ayaa chairman ka ah, ninkaana qaabkaanu u siinay
qandaraaska waxa uu ahaa qaab xayaysiis ah, bajad noogu jiray iyo
miisaaniyada ay dawladu ku bixisay dhismaha Studeo-ga muu jirin, anigaa la
saxeexday, waxaanan ula saxeexday in aanu nagu is-dabarno oo aanu isku
dabarno qaab farsamo iyo habkaanu wax u qabsan karno, waxaanu la galnay
heshiiskan shirkadan iyo shirkad ay walaalo yihiin oo DHL la yidhaahdo,
labadaas ayaanu xayaysiis u sii daynay, kharashkii xayaysiiska naga soo
galayay ayaanu ku bixinay qandaraaska oo aanu ku nidhi anaguna aanu wax
idiin xayaysiino, idinkuna tiyaatarka noo dhisa, qandaraas ay madaxtooyadu
bixisay iyo qandaraas ay tidhi cidaas hala siiyo midkoodna ma jirin, hadii
xitaa ay jiri lahayd ninkaa la sheegayaa uu noqon lahaa ka dhigaya dee waa
nin muwaadin ah oo dadka ula siman, hase yeeshee nalamuu soo xidhiidhin,
waana qorshe anagu aanu galnay oo aanu isku tashanay oo aanu is-nidhi
maadaama aanay miisaaniyada waxba noogu jirin waxaad wax ku qabsan kartaan
in aanu shirkadaasi xayaysiis u sii dayno, iyaguna ay dhismaha Studeo-ga
noo dhisaan”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Qolooyinka
Saxaafada waxaan kula dardaarmayaa inay ka fogaadaan wararka ku
tidhi-kuteenka ah eek u soo noqonaya, saxaafada waxaa looga baahan yahay
inuu qoro war xaqiiqo ah 100% oo abtirsiin iyo aabo leh, hadii aynu ku
dhaqano warar humaag ah iyo waxaa la yidhi ayno qorno waxay noqonayaan
waxay ka dhashaan fawdo iyo iska hor-imaad. Maalin hore oo aad xafiiskayga
iigu timid oo aad igu waraysatayna hadaad tahay wariyaha Haatuf waxaan
idinku idhi waa inay qolooyinka saxaafadu ka fogaadaan halkii aynu
taagnayn 1991-kii oo ay ka koraan waxyaabaha curfiga keenaya, anigu
saxaafada dhaliil uun u so jeedin maayo oo wax badan ayay qabteen,
dimoqraadiyada way barbaariyeen, waxaase u dhimani waxa weeyaan oo aan
leeyahay saxaafada gu’gii u kordhaaba waa inuu wax u kordhiyo. Anigu ma
garanayo cid aad wareysataan, heshiiskan aan la galay shirkada Unieco-na
waa kaas, amount-kaanu kula galnayna waa $11,469 oo xayasiis ah, ninkaanu
wada galnayna waa Eng. C/qaadir Iimaan”.
Intaa ka dib, su’aalihii halkaasi aanu ku weydiinay iyo jawaabahoodiina
waxay u dhaceen sidan:
S: Agaasime waxay warar xog-ogaal ahi sheegayaan in shirkada Unieco ay
siisay shirkada Hope oo markii hore iyada qandaraaska la siiyey, isla
markaana dhokmentiyadii cadaymaha ahaa la hayo, arimahaasina la sheegayo
in heshiiska qandaraaska madaxtooyadu saxeexday, arimahaas maxaad ka
leedahay?
J: Ninkii cadaymaha hayaa saxaafada ha u soo bandhigo, xaasha ma jirto
meel aanu shirkada Unieco mooyee shirkad kale heshiis qandaraas kula
galnay, wax sub-contract ah oo aanu galnayna ma jiro, lacag laga qaadayna
ma jirto ee waa xayaysiis aanu u sii dayno labada shirkadood ee mataanaha
ah Unieco iyo DHL, anigaana Tv-ga agaasime guud ka ah oo saxeexay, ninka
yidhaahda cid kalaa qandaraaskaasi saxeexdayna waa beenaale ee halkan ha
yimaado, wixii cadaymo ah ee uu hayana ha keeno.
S: Maadaama guddida qandaraasyada qaranku u xilsaaran tahay wixii
qandaraas lagu bixinayo, miyaanay heshiiskan aad shirkada unieco kula
gashay qandaraaska dhismaha sharci darro noqonayn?
J: Waxna waxa weeyi wax miisaaniyada dawlada soo galay oo dakhligii
dawlada ama miisaaniyada iigu jira, oo guddida qandaraasyadu inay bixiso
ay tahay, waxna waxa weyi waxa yaryar ee aanu gaarka u leenahay ee aanu
wax ku qabsanayno, anagaa iskaa wax u qabso qaab ku salaysan iyo farsamo
aanu la nimid ayaanu arintaasi ku bixinay, dhaqaalaha xayaysiiska ahna
waxa naloo siiyey in aanu dhismayaashayada ku jihaynaa, qalabka yaryar iyo
wixii hadba naga jaba aanu ku hagaajisanaa, wax miisaaniyada galayna may
ahayn, miisaaniyada hagaagsan Tv-gu markii hore muu lahayn, waad ogsoon
tihiin xitaa mushaharka shaqaalaha ayaan xiligaasi hore sugnayn, sidaas
darteed dad isku tashaday ayaanu nahay. Top
Ciidanka
Taraafikada Oo Dadweynaha Boorama Ku
Wargeliyey Inaan Darawaliinta Loo Raaci Doonin
Carruurta Dabada Qabsata Baabuurta Ee Dhibaato
Soo Gaadho |
Boorama, November 9, 2006 (Haatuf) — Taliska
ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Gobolka Awdal ayaa shalay dadweynaha
Gobolka Awdal, gaar ahaanna dadweynaha Boorama ku wargeliyey in hadda
wixii ka dambeeya aan darawaliinta gaadiidka loo qabsan doonin carruurta
yaryar ee gaadiidka dabada qabsada kadib dhibaato ka soo gaadho falkoodaas.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar,
Taliyaha Ciidanka nabadgelyada Wadooyinka Awdal, Axmed Daahir, ayaa shalay
dadweynaha ku nool Boorama cod-baahiyeyaal gawaadhi lagu rakibay ku
wargeliyey in dhibaatada maalin walba ubadka yaryar ka soo gaadha gaadiid
ay ku laabeen ama dabada qabsadeen badatay, isla markaana falkaasi ay
dadku caado ka dhigteen in lagu ciqaabo darawaliinta gawaadhida wadda
iyagoon ogeyn dhibaatada ubadka ka soo gaadha gaadiidka socda ee ay daba
qabsadeen, sdiaa darteedna waalidiintu ka digtoonaadaan inaan hadda kaddib
darawal loo ciqaabi doonin ama aan mag looga qaadi doonin ubadkooda ku
dhinta ama ku dhaawacma dabaqabsiga gawaadhida jidadka socota.
Dhinaca kale taliyaha saldhigga Bileyska Boorama, Muuse C/laahi Hanfi,
ayaa isna Haatuf u sheegay in wargelintan ciidanka taraafiggu tahay muhiim,
ayna ahayd in mar hore dadweynaha loo sheego. “Annaga laftayada,
Maxkamadda iyo Xeer-ilaalinta wareeriyey kiisas lagu soo oogayo
darawaliinta oo loo haysto in ilma yar oo gaadhigiisa dabada qabsaday ka
dhacay, dhibina soo gaadhay, waxana dhacda in darawalkaasi aanu warba u
ahayn maadaamaa uu iska eegeyo hortiisa marka uu jidka socdo ee aanu xagga
dambe eegin” ayuu yidhi taliyaha saldhigga Boorama.
Tallaabadan ayaa laga yaabaa inay hoos u dhigto dacwadaha noocan oo kale
ah ee waalidiintu ku soo ogayaan darawaliinta, iyadoo dhinaca kalena ay
dhacdo inaanay waalaidiintu kaba warhayn meesha ay ku dambeeyeen ubadkoodu
marka ay guryaha ka baxaan, sidaa darteedna ay arrintani sii xoojinayso in
waalidiintu isha ku hayaan ubadkooda, kana taxaddiraan inay dabada
qabsadaan gaadiidka jidadka maraya. Top
Tartan Quraan
Akhris Ah Oo Lagu Abaalmariyey
Gabdho Ku Guuleystay Kaalmaha Ugu Horreeya |
Boorama, November 9, 2006 (Haatuf) —
Munaasabad abaalmarinno iyo jaa’isado lagu siinayey gabdho ku guuleystay
tartan quraan akhris ah ayaa shalay lagu qabtay Huteel Rays ee magaalada
Boorama.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar,
tartankan oo ahaa mid Boorama laga qabanqaabiyey wakhtigii lagu jiray
bishii Ramadaan ee la soo dhaafay, balse shalay la soo saaray go’aankii
lagu kala saarayey gabdhihii ku tartamay wakhtigaa, iyadoo hore munaasabad
tan oo kale ah loo qabtay wiilashii iyagu ku guuleystay tartankan laguna
siiyey abaalmarinno.
Haddaba munaasabaddan shalay ka dhacday Huteel Rays, isla markaana ay ka
soo qaybgaleen tiradii ugu badnayd ee ka socotay qaybaha dadweynaha
Boorama sida culimada diinta, aqoonyahanno, madaxdhaqameedyo iyo
marti-sharaf kale, ayaa waxa halkaasi si qoto-dheer loogaga hadlay
khudbado ku saabsan faa’iidada ay inoo leedahay barashada quraanka
kariimka ah iyo faa’iidada if iyo aakhiraba uu inoo leeyahay barashadiisu
iyo siyaalaha barashada quraanka kariimka ahi ay u toosinayso ubadka.
Sh. Cali Dheere oo ka mid ahaa culimadii halkaa ka hadashay ayaa isagu si
gaar ah farta ugu fiiqay sida ay u habboon tahay in mar kastaba diinteenna
iyo caqiidadeenaba loogu horreysiiyo wax kasta oo la qabanayo, sidaa
darteedna la dhiirrigeliyo tartanada noocan oo kale ah.
Munaasabaddan oo ay qabashdeeda soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan
haweenka reer Boorama ayna ka mid ahaayeen, Nimco Xaaji Abuubakar, Saynab
Sh. Cali Jawhar, Sacdiya Xaaji Miisaan iyo Quman C/laahi Alaale, ayaa waxa
kale oo ka hadlay Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo ka warramay sida loo
doonayo in mujtamaceennu ku dedaalo sidii loogaga dayan lahaa ku dhaqanka
diinta Islaamka, isla markaana qof kasta oo innaga mid ah lagu tixgeliyo
maqaamka dhinaca aqoonta diinteenna.
Haddaba iyadoo ay badnaayeen dadkii ka hadlay munaasabaddan, ayaa waxa
geba-gebadii halkaa abaamarinno isugu jira lacag caddaan ah iyo nuqullo ka
mid ah quraanka kariimka lagu guddoonsiiyey lix gabdhood oo saddexda
kaalmood ee ugu horreeya ka kala galay tartankaasi oo u qaybsanaa laba
qaybood, kuwaas oo mid ka mid ah gabdhahaasi ku tartamayeen 30ka Jis ee
quraanka kariimka, halka qaybta kalena ay ku tartameen 15 Jis ee Quraanka
Kariimka ah.
Gabdhaha abaalmarinada ku guuleystay ayaa waxay kala ahaayeen :Saynab X.
Daa’uud, Samsam Sheekh Barkhad, Farxiya Faarax Meecaad, Saynab Maxamed
Cumar, Habboon Jaamac Ibraahim iyo Sabaad Axmed Cali.
Dhinaca kale munaasabaddan shalay ayaa waxa kale oo lagu urruriyey lacag
qaadhaan ah oo kor u dhaaftay dhawr iyo toban kun oo Doolar oo loogu
talogalay in lagu qabto tartanno noocan oo kale ah oo quraanka kariimka
ah. Top
Guuldaro Uu
Kala Kulmay Xisbiga Jamhuurigu Doorashadii
Maraykanka Oo Galaafatay Xoghayihii Difaaca |
Washington, November 9, 2006 (W. Wararka) –
Xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mucaardka, ayaa 12 sannadood markii ugu
horeysay la wareegay aqlabiyadda Aqalka Hoose ee Kongoroska Maraykanka,
waxaanay ka heleen 229 kursi, halka ay xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne
Bush uu ka helay 196, taasina waxay keentay Xoghayihii Difaaca ee
xukuumadda Maraykanku, Donald Rumsfeld uu iska casilo jagadiisii, iyadoo
guul-darada doorashada ka soo xisbiga Jamhuuriga loo aanaynayo dagaalka uu
Maraykanku ka wado dalka Ciraaq oo uu Rumsfeld hormood ka yahay.
Doorashooyinka shalay ka dhacay Maraykanka ayay dadweynuhu si xoog ah ugu
codeeyeen xisbiga mucaaridka ee Dimuqraadiga, taasina waxay keentay in
aqalka Hoose iyo Ka sareba ay u ku hormaraan, sidoo kalena gobolada ay ka
dhacday doorashadii Badhaasabadu ay xisbiga dimuqraadigu ku gacan
sareeyaan.
Doorashadii Aqalka Odayaasha ayuu xisbiga dimuqraadigu ka helay 50 kursi,
halka Jamhuuriguna ay ka helaan 49 kursi, waxaana ilaa hadda natiijadiisii
la shaacin gobolka Montana oo tirinta codadkiisii dib loogu noqday, kaas
oo codadka ilaa hadda la tiriyay uu ku horeeyo musharaxa dimuqraadigu,
waxaanay haddii ay ku guulaystaan kursigaas ay ka dhigay inay labada
aqalba aqlabiyada ay yeeshaan xisbiga dimuqraadiga ee mucaarad ah.
Guuldarada kaga timi Jamhuuriga doorashadan ayaa waxay wadada u xaadhaysaa
siyaasad cusub oo uu Maraykanku waajaho xaaladaha bariga dhexe, taas oo
Madaxweyne Bush carqalad ku noqon doonta siyaasadiisii hore ee Bariga
dhexe, iyadoo xilligii ololaha doorashada lagu jiray ay murashixiinta
dimuqraadigu ku ololaynayeen inay ciidamada Maraykanka ee jooga Ciraaq
laga soo saari doono halkaas.
Isbedelka doorashadani ku keentay siyaasadii Maraykanka ee xisbiga
Jamhuuriga, ayaa waxay tallaabadii ugu horeysay keentay in Xoghayihii
difaaca oo ahaa nin ay si aad ah isugu aragti dhow yihiin Madaxweyne Bush
uu xilkiisii iska casilo, iyadoo guuldarada xisbiga Jamhuuriga ka soo
gaadhay doorashadan ay xudun u tahay qadiyadda Ciraaq, waxaanu Madaxweyne
Bush in badan ka dhega-adaygay talooyin ay xisbiga Dimuqraadigu u soo
jeediyeen, kaas oo ay kaga dalbanayeen inuu xilka ka qaado Rumsfeld.
Madaxweyne Bush, ayaa isla xalayba waxa uu jagada Xoghayaha difaaca
Maraykanka u soo magacaabay nin la yidhaahdo Robert Gates oo hore u ahaan
jiray Taliyaha Hay’adda Sirdoonka CIA-da xillgii Madaxweynihii hore ee
George W. Bush-ka 1aad.
Dhinaca kale, doorashadan shalay Maraykanka ka dhacday, ayaa keentay in
markii ugu horeysay ay haweenay aqalka hoose Kongoreska [wakiilada] ka
noqoto Afhayaha, halka sidoo kalena uu markii ugu horeysay uu soo galo
isla aqalkan nin Muslim ah, kaas oo la sheegay in munaasibadda dhaarta
lagu dhaarin doono Kitaabka Quraanka ah, waxaana guusha ninka Muslimka
kaalinta ugu weyn ka ciyaaray dadka Muslimiinta ah, gaar ahaan Soomaalida
ku dhaqanka gobolka Minnesota. Top
Maxkamadaha
Muqdisho Oo Gacanta Ku Dhigay
Markab Ay Budhcad-Badeed Ku Af-Duubeen Xeebaha Somalia |
Muqdisho, November 9, 2006 (W. Wararka) – Hawl-gal
ay sameeyeen maleeshyooyin ka tirsan maxaakiimta degmada Xarar Dheere oo
watay doonyaha dagaalka ee dheereeya ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen
markab lagu magacaabo MV Fiishaan, kaas oo dhawaan dekedda Muqdisho ka
qaaday dhuxul loo waday wadamada Carabta.
Maleeshyaadka Maxkamadda Xarar Dheere ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray
iyaga iyo budhcad badeedkii ku haystay markaabkaas af duubka muddo
todobaad ka badan ka dibna waxay gacanta ku dhigeen markabkii iyo sideed
ka mid ah budhcadkii markabka haystay, sida uu sheegay masuul ka tirsan
Maxkamadaha Muqdisho markabkan MV fiishaan ayaa waxa lagu haystay meel u
jirta 18 KM degmada Xarar Dheere oo magaceeda la yidhaahdo Gaan , waxa
kaloo ay sheegeen in markabkii iyo shaqaalihii ka shaqaynayay la keeni
doono magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha golaha shuurada ee midawga maxaakiimta Muqdisho Xasan Daahir
Aweys oo ka hadlayay markabkan ay budhcad badeed ka af duubeen xeebta
Somalia ayaa sheegay in ay ka dambeeyaan dad siyaasiyiin ah oo doonaya
inay mushkilad ka abuuraan nabadgalyada xeebaha Somalia ee ay maxkamadaha
islaamigu gacanta ku hayaan, waxaanu sheegay Xasan Daahir Aweys in dadka
ku kaca falalka noocaas ah amaba taakuleeya in la marin doono xukunka
shareecada islaamka ee qaadicul dariiq, kaas oo buu yidhi “wuxu noqon
doonaa mid adag oo ay kaga caagaan inay cid dambe isku daydo fal noocan oo
kala ah.”
Markabkan oo ay saarnaayeen sida la sheegay laba iyo toban qof oo shaqaale
ah ee u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Itoobiya, manay sheegin wararku
wax khasaare ah oo ka soo gaadhay dagaalkii budhcad badeedka iyo
maleeshiyaadka maxkamadaha markii la soo furanayay markabkan. Top
Kenth Ellison
Oo Noqday Ninkii U Horeeyey Ee
Muslim Ah Ee Loo Doorto Congress-Ka Maraykanka |
Minneapolis, November 9, 2006 (W. Wararka) –
Kenth Ellison (Maxamed) oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa noqday
qofkii ugu horeeyey ee Muslim ah oo ka mid noqda aqalka wakiilada ee dalka
Maraykanka.
Mr. Kenth ayaa waxa gacan ka siiyey sidii uu ugu soo bixi lahaa xubinimada
aqalka Congress-ka qoomiyadaha kala duwan ee ku nool waqooyiga-bari ee
degmada Minneapolis.
Ninkii isaga la tartamayay Alan Fine oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, isla
markaana ka soo jeeda jaaliyada Yuhuuda ayaa isku dayay intii ololaha lagu
jiray inuu ku cambaareeyo Kenth Ellison inuu xidhiidh la lahaan jirey
hogaamiyihii Nation of Islam Mr Lewis Farrakhan, kaas oo uu ku eedeeyey
inuu qabay xanuunka Yuhuud nacaybka (Anti Semitism), hase yeeshee golaha
Yuhuuda Dimoqraadiga iyo Wargeyska codka dheer ee Minneapolis Jewish
Newspaper, waxay taageeradooda siiyeen Mr Kenth Ellison.
Degaanka Mr Kenth laga soo doortay ayaa waxa hore ugu badnaan jirey
qoomiyadaha ka soo jeeda Scandenivian-ka, Ruushka, laakiinse waxaa hada si
weyn ugu sii badanaya Somalida iyo Spanish-ka Maraykanka ah.
Dalka Maraykanka ayaa isagu ah wadan ay aad u yartahay kaalinta
siyaasadeed ee dadyowga laga tirada badan yahay, gaar ahaan Muslimiinta oo
aan iyagu haynin xafiis qudha oo Muslim ah oo ay dawladu leedahay.
Dadka Somalida ah ee degan Minneapolis ayaa waxay si weyn u taageereen
sidii uu ugu guulaysan lahaa Mr. Kenth inuu noqdo mudanaha aqalka
Congress-ka u metela degmada Minneapolis, waxaanu ku balan-qaaday inuu wax
ka qaban doono mushkiladaha Somalida.
Mr. Kenth waxa uu bilow u yahay sidii ay muslimiintu kaalintooda uga
qaadan lahaayeen loolanka siyaasadeed ee dalka Maraykanka, kaas oo ah
dalka dunida ugu saamaynta badan. Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA:
“Maan Fileyn In Bileyska Somaliland Dadkooda Sidan Ula Dhaqmaan”
Cumar Maxamed – Qurba-jooga Somaliland ee dalka ku soo laabtay
|
Aniga oo ah muwaadiniinta qurba-jooga
Somaliland, gaar ahaan dalka Norway, kana mid ahaa qurbo-joogii ka soo
qayb-qaatay halgankii lagu riday taliskii Siyaad Bare, kana qayb-qaatay
dib u dhiskii dalka ayaan waxaan kala kulmay caasimada Somaliland ee
Hargeysa dhacdo ka mid ah wixii laga dagaalamay oo aanan marnaba kaba
filayn dalka, waxayna ahayd sidan:
Waxay ahayd maalintii barakaysneed ee ciidal-fidriga, saacaduna waxay
ahayd 11-kii subaxnimo, waxaanu ahayn aniga iyo nin aanu saaxiib ahayn,
waxaanu wadanay gaadhi noociisu yahay MarkII, gaadhigaas oo aanu ka soo
saarnay geerash, anaga oo doonaynay in aanu tijaabo ka soo qaadno,
gaadhigana anaa waday. Haddaba marka aanu marayno Khayriyada Hargeysa
horteeda ayuu gaadhigii naga bakhtiyey, aniga oo aan ka daganina waxaan
muraayada ka arkay gaadhi bileys ah oo na daba taagan, markii aan ka soo
degnay gaadhiga anaga oo doonayna in aanu hubsano cilada gaadhiga ayaa nin
tuute xidhan oo saaran gaadhiga bileyska ayaa si kulul noogu yidhi wadada
ka dhaqaaqa ma idinkaa leh, anigaa la hadlay waxaanan ku idhi adeer
gaadhigu wuu xumaadee iska sug inta aanu wadada ka saarayno, ka dib
wadadii waanu ka saarnay, waxaanu aragnay il-bidhiqsiyo gudahood
baabuurkii bileyska oo na daba taagan, waxaanay nagu yidhaahdeen iyaga oo
noo caga-juglaynaya meeshan aad taagan tihiin hada ka dhaqaaqa, anoo
yaaban ayaan ku idhi wadadu way idiin banaan tahay hadaad maraysaan hooya
furaha haduu idiin dhaqaaqayana, ileen bad baanu galnay oo libaaxyo aan
lala hadal oo aan loo jawaabin ayaanu u jawaabnay, dadkii goobta tagnaa oo
dhami waxay galeen maslaxad, taliye raali noqo, miyeydaan garanayn
taliyayaasha waa aqoon la’aan ee raali noqda, malaha waa hogaamadii
bileyska, ka dibna waxaanu bilaabnay in aanu gaadhigii dib u riixno,
markaa wax wado ah oo aanu xanibnayna ma jirto, hadana waxay noo diideen
fursad aanu ku hubsano cilada baabuurka, aniga waxa ii daaran cajalad
xusuus ah oo waxa i-hortimi dhaqankii xumaa ee askartii Siyaad Bare iyo
nimankaa ciidanka ahi sida ay noola dhaqmayeen iyo kibirka gardarada
cadaanka ah. anigu waxa kale oo aan isweydiiyey dadku miyaanay ahayn kuwii
dhaqanka noocan ah dhiiga siistay, aniga oo dhakofaarsan ayaan la hadlay
dadkii nagu xoonsanaa ee taliye uun hayay, waxaan idhi horta allaa taliye
ah ee dadyow keligii taliyaha idinkaa sameeya, miyaanay idiin muuqan
anagoo muwaadiniin ah dirayska naloogu cago-juglaynayo ayaa aniga oo aad u
cadhaysan waxaan u dhaqaaqayt xaga khayriyada, waxa iga daba yimid dhowr
qof, waxayna igu wargeliyeen in lay dalbaday ciidan oo aan baxsado, waxaan
u sheegay in aanan baxsanayn, isla goobtii waxaan kula kulmay nin ka mid
ahaa dhalinyaradii UFO, kaas oo ahaa gudoomiyihii SNM ee Laanta Norway
Axmed Muxumed Madar, isla waxyar ka dib ayaa inankii ila socday ii yeedhay
oo uu igu yidhi ina keen gaadhigii wuu hagaagee, dhaqaaqaan ka dhaqaaqay
Axmed ee aan u dhaqaaqay xaga gaadhiga ayaa xaga dhabarka waxa igaga yimid
raxan bileys ah, waxaan ku war-helay feedhadh igaga dhacaya madaxa iyo
qadaadka iyo labada nine e garbo-duubka ii haya, waxaana ka mid ahaa
raggii igu boobay feedhka ninka gaaban ee madaw oo laygu yidhi waxa la
yidhaahdaa Ina Fadal oo waa hogaanka hawl-gelinta bileyska, isla markiiba
waxaan arkay inankii ila socday oo furihii gaadhiga laga qaaday oo
gaadhigii bileyska lagu riday sidii joonyad bariis ah oo waliba jidh-dil
lagu sameeyey, ana sidii tukhaantukho laygu waday oo aanan garanayn meel
aan u socdo dawakhaad awgeed ayaa xoog laygu saaray gaadhayagii, waxa
dhegahayga ku soo duulayay waa in aad dhiig matagtaan oon sharciga idin
barnaa, sidii lanoo waday ayaa lana geeyey saldhiga dhexe oo dhowr unug oo
bileys ah lanoogu diyaariyey, waxayna nagu yidhaahdeen ma nimankii
hogaanada caayay baa, iyada oo haba yaraatee wax aanu geysanayba aanan
garanayn, waxaana nala geeyey OP-ga saldhiga dhexe, waxaan ku war-geliyey
in madaxa ay nabaro igaga yaalaan oo aan doonayo dhakhtar xaaladayduna aad
u xun tahay, waxa ii jawaabay askarigii madaxa bakooradaha igaga dhuftay,
waxaanu igu yidhi waar kani waa mid waalan, waanu sarkhaansan yahay laba
hogaan baa haystoo markaasuu dhakhtar hadal hayaa.
Waxa OP-ga n agu soo gaadhay Axmed Muxumed Madar oo markii na lagu
bilaabay aanu ka soo dhaqaaqnay oo yaabsan, nooguna yimid iyada oo nalagu
xidhay meel tuug ku xidhan tahay oo dusha nalagaga qufulay, inyar ka dibna
nimankii saldhigu waxay aqoonsadeen in sida wax loogu sheegay aanay arintu
ahayn ee aanu nahay rag sharaf leh oo odayaal ah, waxayna naloo dhaqmeen
si sharaf leh oo ixtiraam ku jiro.
Haddaba, waxa aad iyo aad ula yaab ahayd cidii xabsiga nagu soo
booqaataaba waxay nagu tidhaahdaa nimanyahow waxa idin haysta laba hogaan,
imikana hebel oo ay ina fadal ay isku fiican yihiin baanu u yeedhnay, wada
hadal baa socda, arinkuna wuu adag yahay oo meesha sida lagu soo galaa way
fudud tahay, sida looga baxaana way adag tahay, sidii laydanka soo dayn
lahaa baana laydiinku jiraa afkaana juuq ha ka odhanina, waxaanan waayay
cid ka hadlaysa nabaradan aan qabo iyo dulmigan, qof walibana aniguu ila
yaabsanaa, iyaga oo igu lahaa kiiska laguu sameeyey waxa la doonayay saaka
in laguu diro 15 cisho oo jeelka rumaan ah, cid ku wada hadlaysaana ma
jirto.
Haddaba, waxaan xusuustay 2004-tii mar baasaboor laygaga xaday Hargeysa oo
aan saddex bilood ka la’aa saldhiga dhexe madaxdii markaa joogtay oo
markii dambena iigu jawaabay been hadaad saldhiga dib u soo gashana waanu
ku xidhaynaa, waxaana iiga markhaatiyaal ah gudoomiyaha maxkamada sare ee
ciidamada oo anoo jaah-wareersan igu yidhi adeer maxaa ku helay, markaan u
sheegay dhibaatadii igu dhacdayna intuu OP-ga numberkii iiga soo qaaday,
igana qoray wixii mashaakil iga qabsaday saddexda bilood, dabadeed isagoo
aad iyo aad uga xun ayuu inta uu baabuurkiisii igu qaaday iina caqli
celiyey ayuu janankii bileyska ii geeyey ee wakhtigaa, warbixintaydiina u
dhiibay, hadalkii janankana waxaan ka xusuustaa shalay baan u
qudbadaynayay oo halkan kula hadlayay oon lahaa dadka tacadiga ka daaya oo
dadku waa dadkiiniiye wax u qabta oo idinkaa ciidan ah ee u dulqaata dadka.
Waan ka xishooday, wakhtigaa in aan saxaafada geliyo, waxaan is idhi dadka
qurbo-jooga ah ee aad ogtahay niyada ay u hayaan dalkooda ha niyad jabin
markii aan tegay safaarada Addis Ababa waxa laygu dhameeyey maalin
sharcigii.
Hadal iyo dhamaan waxa igu adkaatay markii la ii sheegay in uu labadan
nine e tacadiga intaa le’eg iyo xadhigaa meelin iyo habeenka ah iyo sharaf
dhaca suuqa dhexdiisa ah lanagaga qaaday la nagu garaacay, la yidhi waxa
ka sareeya jananka oo qudha, waan liqi waayay, waana kuwii loo ashkatoon
lahaa. Sidaas darteed, waxaan doonayaa in layga jawaabo nimankaa dadka
nacsinaya dawlada wixii ku khalifay dunuufta intaa le’eg ee gar iyo mag
la’aanta ah, waana mid aan uga fadhiyo madaxda qaranka. Top
Maxay TV-ga
qaranka iyo Radio Hargeysa uga
gaabsadeen muwaadinka ka soo jeeda beelaha la
hayb-sooco ee rayiiskiisii ku shuf beelay |
Aniga oo ah Suld. C/risaaq Xuseen Xariir,
waxaanu qaylo-dhaan iyo cabasho ka muujinaynaa ninka muwaadinka ah ee
magaciisu yahay C/naasir Siciid Odowaa oo taariikhdu markay ahayd 3/11/06
habeenimadii Jimcihii abaaro 4:30 habeenimo ku gubtay sandaqad Rayiisle ah
oo uu ku lahaa xaafada Xero-Awr.
Waxa wax laga murugoodo ah dhowr arimood oo kala ah sandaqadu way
dhalaashay, marxuumkuna wuu ku bas-beelay, maxaa jaarku u bakhtiin waayeen,
waxay ahayd xiligii salaada loo kacayay. Waxa kaloon quudhsi iyo yareysi
aanu u aragnaa Tv-ga qaranka iyo Raadio Hargeysa ay u sheegi waayeen ee ay
warka ugu soo dari-waayeen, waayo shil kastoo dhaca Idaacada waa laga
sheegaa, maxay u quudhsatay muwaadinka gubtay.
Waxa kaloon quudhsi u aragnay in ilaa hada aan qof qudha aan loo xidhin oo
baadhistii laga gaabsaday, waayo arin kastoo dilloo dhaca cid baa loo
xidhaa, maxaa loo quudhsaday baadhista muwaadinka gubtay.
Suldaan C/risaaq Xuseen Xariir
Afhayeenka Beesha La-Hayb-sooco ee Togdheer –
Muuse Nuur Samriye. Top
Is Adkayn Rag
Wuu Ku Talo Seegaa
Dumarna Waa Ku Tag Seegaan |
Anigoo ah muwaadin u dhashay jamhuuriyadda
Somaliland, jecelna wax kasta oo Somaliland u wanaagsan horumarkeeda ayaa
waxan halkan doonayaa inaan ku cabiro fikir aan qabo inuu yahay caqabad ku
soo korodhay dalka Somaliland, isla markaana ay ila waadaagaan inta
nasteexa u ah Somaliland.
Haddaba haddii aan u gondo daadego ujeedada hadalkayga, waxan aad iyo aad
ula yaabay waxa ay ku kacday xukuumadeenu ee aan loo dul qaadan karin.
Goorma ayaynu aragnay xukuumad ganacsatadeedii dalka shirkad ajaanib ah u
dabarta halkii iyaga loo dabri lahaa shirkadaha shisheeye, balse ma
ogtahay in shirkada wadaniga ahi ahmiyadda ka leedahay shirkadaha kale
sida muwaadinku uga horeeyo ajaanibka. Haddaba iyadoo waxaas oo dhami
jiraan, ayaan haddana laga helin dalkeena, waxaana ugu wacan xukuumada
Madaxweyne Rayaale.
Sidaynu wada ogsoonahay waxa sanadihii hore dalka soo food saartay shidaal
yari fara badan oo soo noqnoqonaysay, sababteedana ay lahayd shirkadda
TOTAL ee xuurtada ku haysata haamaha shidaalka ee Berbera, laakiin
shicibku fahmay in shirkadda TOTAL ku tagri falayso shidaalka oo siday
doonto uga iibiso dadweynaha, ayaa waxa dhacday in xukuumadu 13th June
2006 ee sanadkan ku dhawaaqdo in muwaadin kastaa keeni karo shidaalka si
looga baxo shiidaal yarida dalka.
Haddaba waxa dhacday in shirkadda Al-Xarbi Trading Company oo qaadatay
ruqsadii shidaal keenista kana qaadatay wasaaradda Ganacsiga, ayaa waxay
keentay shidaal bishii hore, iyadoo uu siduu sharcigu dhigayo lagu shubayo
haamaha Shiidaalka Ee Berbera. Shirkadda Al-xarbi iyo Labada Shirkadood ee
kala ah TOTAL iyo Red-Sea waxaa u wada sidday shidaalka markab qudha, kaas
oo ku soo xidhay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, waxaana laga shubay
shidaalkii uu u sidday labada shirkadood ee kala ah TOTAL iyo Red-Sea,
halka shidaalkii kale ee AL-XARBI ay diidday TOTAL in laga shubo, ujeedada
ay u diidayna tahay shidaalka jaban ee shirkaddu keentay Dalka, kana xun
muwaadinkaa u damqaday shicibkiisa ilayn iyadaa xuurtada ku haysatay
shiidaalkee.
Haddaba waxay su’aashu tahay TOTAL ma waxay doonaysaa in iyada ruqsada
Shidaalka laga qaato ilayn waa tan ruqsadii xukuumaddu siisay shaqayn
waydee? Haddii aan ka jawaabo su’aashaas, waa MAYA ee waxay garab ka
helaysaa xukuumadda oo la og gardarada TOTAL. Akhriste miyaanay dawladeena
sharaf dhac ku ahayn iyadoo ruqsadii ay bixisay shaqayn wayday. Laakiin
waxa marag ma doonto ah in Madaxweyne Rayaale raali ka yahay ku tumashada
TOTAL ay ku tumanayso sharciga iyo Dalka.
Geed baa waxa laga hayay Gudiyahay hadaan badhkay kugu jirin imaad goyseen,
waxaanan uga socdaa TOTAL haddaan lala ogayn waxba may joojin karteen.
Waxaana daliil cad u ah ergadii isugu jirtay guurtida, Baarlamaanka,
Wasiirada iyo Cuqaasha ee waday in markabka shidaalka ku cadilan saddexda
toddobaad laga shubo, balse uu ku gacan saydhay Madaxweyne Rayaale.
Haddaba waxaan leeyahay mudane Mudaxweyne Rayaale, is adkayn Rag waa ku
talo seegaa, Dumarna waa tag seegaan, ee meesha ha ku talo seegin,
shirkadana u fasax in shidaalka inay si habsami ah ugu shubato haamaha,
tallaabo cadna ka qaad shirkadda TOTAL ee haamaha isa siisay ilayn
shirkadda AL-Xarbi sifadii sharciga ahayd bay martee.
Haddii ay TOTAL iyaduna bixiso ruqsad aan ka dawladda ahayn oo aan
la’aantii waxba soconayn laguna xanibaayo shirkadaha kale, mudane
Madaxweyne shicibka u soo bandhig sifada loo marayo ha kula arkaane, ilayn
sidani si maahee.
Mudane madaxweyne, bal eeg sanadkii 2004 markii ay dheceen abaaruhu ee aad
ugu baaqday Ganacsatada waaweyn iyo mid dhexaba inay ka qayb qaataan
dhaqaalaha loogu ururinaayo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, miyaanay
Al-Xarbi Trading Company Illaahay raali ha ka noqdee hormood ka ahayn
bixinta Tobanaan kun oo Dollar, halka Total waa waxay bixisaaye aanay
litir Bartoola ku deeqin.
Haddaba waxan ku soo gebagabaynayaa maqaalkaygan, mudane Madaxweyne noqo
mid raali geliya shicibkiisa iyo ganacsatadiisaba, kuna raali geliya wixii
wanaagsan, ogowna ganacsataada waligaa waad wada joogaysaan, TOTALna
beriba way iska tegi.
Wabilaahi Tawfiiq
C/raxmaan Xaaji Nuur Cismaan, Hargeysa Top
| Madaxweyne Hal
Xaaraan Nirig Xalaala Ma Dhasho |
Marka hore madaxweyne waxaan kugu
hambalyaynayaa khudbadii qiimaha lahayd ee aad ka jeedisay xuska aasaaska
Bileyska JSL, khudbadaas oo u quus goysay kuwa u qiirooda bil saddexda
Xamar ka soo if baxday ee aan la hubin inta ay jirayso, kuwaas oo weliba
barbar dhiga Somaliland oo midhaheedii la goosanayo.
Intaa ka sakow mudane Madaxweyne kama tirsani Xisbiyada Dalka welina
Madaxtooyada cagahayga kumaan soo gelin, laakiin talooyinkaygu way ku soo
gaadhaan, waxaan u ololeeyaa Somaliland siday wax jira u noqon lahayd, si
aan aniguna wax uga noqdo intay doonto ha gaadhee.
Sidaa daraadeed Mudane waxaan go’aansaday inaan wixii wanaagsan aan kugu
taageero, wixii qaloocana aan u soo bandhigo si ay iigu hirgasho Himilada
iyo yoolka aan hiigsanayo.
Isku soo wada duuboo, Shirkadda TOTAL waxaad moodaa inaad ka jeceshahay
dalka iyo dadkaba, waayo go’aan kasta oo shirkada TOTAL ka soo baxa oo
dadka iyo dalkuba ka qayliyo kama JIXIN-JIXDID, kamana ARXANTID, sababtoo
ah shirkadda TOTAL adigay ku hoos timaadaa, waxayna u muuqataa marka hore
inaad go’aanka wax lagu kordhinayo isla gaadhaan wixii qaylinayana
yeelkooda, waayo mar uunbaad wax ka qaban lahayd waxa laga qaylinayo.
Imika iyo haatana waxaad fasaxday in shidaalka meel kasta laga keeni karo,
markii la keenayna waad diideen idinkoo ku andacoonaya shirkada TOTAL
fasax lagama haysto, oo haddii shirkaddan yar ee Ajaanibka ah ee xilkeedii
gabtay fasax laga qaadanayo maxay Xukuumaddu baaqa shidaalka u soo saartay
ee shirkaddu ugu baaqi wayday? Shidaalka muwaadinku keenay ee TOTAL fasax
ka haysan waa sharci daro ayaa la yidhi, laakiin shirkada TOTAL lafteedu
waa sharci daro waxay ku shaqaysaa oo waa kii Baarlamaanku diiday in uu
Ansixiyo, HAL XAARAAN AHINA NIRIG XALAALA MA DHASHO.
Mudane Madaxweyne, haddii muwaadinkaasi tanaasulaad u samayn waydo oo
sidii hore lagaaga bartay TOTAL gar iyo gardaraba is dhinac taagto, waxay
u muuqanaysaa NIN SHIRKADDA TOTAL DANTA UU KU QABO KA JECEL DADKII SOO
DOORTAY IYO DALKA AAD MADAXWEYNAHA KA TAHAYBA
Mowliid Axmed Jibriil, Hargeysa, Somaliland Top
|