“Madaxweyne Waxaan Kuu Sheegayaa Inuu Aqoonsigu Ku
Jiro Lugahayaga Haddii Ay Xukuumadaadu Xil Iska Saarto Horumarinta Ciyaaraha
Somaliland” Gudoomiyaha
Guurtida Oo Sheegay Inay Tabashadii
Miisaaniyada Golaha Isfahan Ka Gaadheen
Wasaaradda Maaliyadda
Dil-Dilaaca Fadeexadda Iskaraabka Iyo
Isku Tuur-Tuurka
Masuuliyiinta Qaranka
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo
Iska Moosay
Eedda Rabshadihii Berbera Ka Dhacay
Qaar Ka Mid Ah Dadweynaha Boorama Oo
Dareen
Cadho Leh Ka Muujiyey Nin La Sheegay Inay Ciidamada
Amniga Itoobiya Ka Kaxaysteen Magaalada, Oo Lagu Daabacay Haatuf
Xasan Daahir Aways Oo Shaaca Ka Qaaday
Inay
Maxkamaduhu Baadi Goobayaan Gobolada Soomalidu Degto Ee Kenya Iyo Itoobiya
Kooxdii Ex-Star Oo Loogu Wan Qalay
Magac Cusub
ASLI INTERNET
Wax Ka Baro Mucjisooyinka Kownka
DALJIRE (Badheedhaheeda ma sheegtay?)
KORNEYL FAARAX
Xisbiga UCID Oo Wasiirka Warfaafinta
Ku Eedeeyay
Inuu Ku Kacay Falal ka Dhan Ah Xuquuqal-Insaanka
“Xaaladda Berbera Ka Taagan Xukuumada
Ayaa
Eedeeda Leh, Anagu Nabadgelyada Ayaanu Ka
Shaqaynaa Golahayagana Mooshin Baanu Soo Hordhigaynaa”
Xildh. Xasan Axmed Faarax – Golaha Guurtida
John Abizaid Oo Ku Baaqay In Loo
Diyaar Garoobo Dagaalkii Saddexaad Ee Dunida Haddii Aan Laga HorTagin Waxa
Uu Ugu Yeedhay ( Muslimiinta Mayalka Adag)
Mid Ka Mid Ah Halgamayaashii SODAF
Iyo SNM
Oo Ku Geeriyooday Sweden
120 Dumar Muslimiin Ah Oo Shir Uga
Furmay Magaalada New York
|
|
“Madaxweyne Waxaan Kuu
Sheegayaa Inuu Aqoonsigu
Ku Jiro Lugahayaga Haddii Ay Xukuumadaadu Xil Iska
Saarto Horumarinta Ciyaaraha Somaliland” |
“Waa in nalagu garab galaa sidii aanu
dhalinta uga faa’iidayn lahayn khibradii aanu ka soo baranay xidigaha Real
Madrid” Shactaroole
Hargeysa, November 19, 2006 (Haatuf) – Maxamed Yuusuf Xassan (Shactaroole)
waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu caansan dalkeena Somaliland, waxa uu
weerarka uga soo ciyaaray kooxo badan oo ka mid ah kooxaha ka dhisan
magaalada hargaysa haddana waxa uu u ciyaaraa kooxda Unico, waxa kale oo
uu u saftay Gobolka Hargaysa koobkii ugu dambeeyay ee Gobolada
Jamhuuriyadda Somaliland.
Shactaroole waxa uu ka mid ahaa laba ciyaartoy oo reer Somaliland ah oo
bishii 7aad ee sannadkii 2004 tababar loogu diray dalka Spain halkaas oo
ay ku soo qaateen siminaar xagga kubadda ah. Ciyaartoygii labaad ee
safarkan ku wehelinayayna waxa uu ahaa Cabdi Bashiir Cabdi ( Cabdi Riyaad).
Shactaroole oo waraysi siiyay wargayska Haatuf qaybta Sport-ga ayaa waxa
uu ka waramay dhinacyo badan oo ka mid ah safarkiisii Spanishka iyo
macluumaad kale. Waraysigaasina waxa uu u dhacay sida tan:
S: Goormaad bilawday xirfaddan kubadda cagta
J: Runtii anigu sidaydaba ilaa yaraantii aad baan u xiisayn jiray kubadda
cagta, waxa kale oo aan aad u xiisayn jiray in aan ciyaaro, waxaan had iyo
jeer niyadda ku hayn jiray in aan dalkayga u noqdo xiddig aniga oo ka
tilmaan qaadanaya ciyaartoyda ugu caansan caalamka.
Intii aan ku jiray laga soo bilaabo dugsigaygii hoose/dhexe waan ciyaari
jiray kubadda Cagta, waxaanan odhan karaa kubadda cagta waxaan caadi u
bilaabay sannadku markuu ahaa 1996
S: Ma xasuusan kartaa markii kuugu horaysay ee aad ku biirtay koox heerkay
doonto ha ahaatee?
J: Markii iigu horaysay waxaan ku biiray kooxdii heerka saddexaad ee la
odhan jiray Tigers ka dibna kooxdii kale ee Socso. Intaa ka dib waxaan ka
ciyaari jiray kooxaha heerka labaad ee Serie B aniga oo u ciyaari jiray
kooxdii ku ciyaari jirtay magaca Adna Aadan, isla heerka labaad waxaan u
soo ciyaaray koohaha Dahabshiil, Socso, Alnajax iyo Fiinka, runtii
kooxahan oo inta badan ahaa koox kaliya oo kolba heer iyo magac cusub u
soo gudbaysay.
Xagga kooxaha heerka koowaad waxaan u soo ciyaaray kooxaha Alnajax iyo
Fiinka
S: Hadda kooxdeed u ciyaartaa?
J: Waxaan u ciyaaraa kooxda Unico oo haysata horyaalka kooxaha Serie A-da
Hargaysa. Kooxda unico waa koox aan aad u xiiseeyo, waa koox aad u
wanaagsan oo uu tababaro macalinkaygii hore ee kooxda Alnajax Maxamed
gadaraawi oo runtii ah macalinkii heerkaa aan maanta joogo isoo
gaadhsiiyay, aadna aan ugu mahad naqayo markasta
S: Yaad ka xusi kartaa ciyaartoyda aad iska garab ciyaari jirteen oo laga
yaabo in aad maantana qaar badan iska garab ciyaartaan?
J: Waa su’aal fiican, runtii way badan yihiin oo halkan kuma soo koobi
karo ciyaartoyda aanu kubadda cagta soo wada maray heerarkaygii kala
duwanaa ee aan ku hawlanaa kubadda cagta laakiin waxaan soo qaadan karaa
Cabdi Salaan Cali Adan, Cabdi Risaaq Quule, Axmed Quule, Maxamed Godh-godh,
Xassan Bacaraar, Qaadiro ( Sidaani) iyo Ayaanle ( Ha socoto) dhamaan
ciyaartoydan oo aan odhan karo waa ciyaartoy aan aad u xiiseeyo oo aan
jelahay.
Dhanka kale difaacii iigu adkaa intii aan ciyaarayay waxa uu ahaa Maxamed
Cali Maxamed ( Dhego) oo jooga kooxda Goodir ee ciidanka bilayska
S: Halkan ma ku xusi kartaa kulankii kuugu adkaa
J: kulan iigu adagba ma sheegi karo ( sidaas ayuu ku soo gaabiyay
su’aashaa inta uu qoslay) S: Kulankii kuugu
farxadda badnaa ka waran isaga?
J: waxa uu ahaa kulan ka mid ahaa koobkii Gobolladda Jamhuuriyadda
Somaliland oo dhex maray Gobolka Togdheer iyo Gobolka Hargaysa oo aan u
saftay sannadkaa, aniga oo haafkii hore fadhiyay ayaan markii aan galay
wajigii dambe ee kulankaa tiyoy Burco nagu hogaaminaysay haafkii hore 1-0
ayaan daqiiqadihii ugu horeeyay ee aan garoonka cagta saaro waxaan shabaqa
xulka Togdheer ku hubsaday goolkii Barbaraha oo natiijadii ciyaartaas ka
dhigay Hal iyo Hal.
Haddaba inkasta oo ay jireen kulamo badan oo farxad iyo murugoba huwanaa
oo isoo maray haddana kulankaasi si gaara ayuu maskaxdayda u saameeyay
waxaanan odhan karaa waxa uu ahaa kulankii iigu farxadda badnaa
S: Waxaad ka mid ahayd labadii ciyaartoy ee laba sano ka hor loo diray
dalka Spain, bal nooga waran saffarkaagaasi dalka Spain dareenkaagii?
J: Runtii dareenkii farxadeed ee igu xeernaa halkan kuma cabiri karo,
safarkaasi waxa uu ka mid ahaa riyooyinkaygii oo rumoobay, runti waanan ku
riyooday tan si toos ah ilaahayna runbuu iiga dhigay, aad baan ugu
faraxsanahay in aan la kulmay qaar ka mida xidigaha aduunka ugu caansan,
oo aanu isla soo sawiray halkaana tababaro ku soo qaadanay, runtii annaga
waxa uu noo ahaa guul weyn iyo jaanis aanu ilaahay ugu mahadinayo oo aanu
nasiib u halay.
Waxa aan aad uga xumahay annaga oo madaxa ku sidnay magaca iyo calanka
Somaliland ayaa markii aanu halkan ka tagaynay waxa nala hadlay wasiirka
Ciyaaraha iyo dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland iyo waliba madax
weynaha oo noogu balan qaaday in hadii aanu dalkayaga ku soo laabano si
sharaf lehna uga soo ambabaxno Yurub ay noo samayn doonaan wax kasta oo
aanu u baahannahay gacan qabadna aanu ka heli doono.
Haddaba waxaan sheegayaa in annagoo baxsan karaynay oo awood u lahayn in
aanu duurka xulo aanu ixtiraamnay madaxdayada ( Madax weynaha iyo Wasiirka
Sport-ga) oo nala sii dardaarmay, sidaana aanu ugu soo laabanay dalkayagii
hooyo anaga oo tix- galinayna magaca aanu ku yeelanay Bulshadayada
dhexdeeda. Haddaba waxaan ilaa hadda aanaan helin wixii naloogu balan
qaaday oo naga maqan ama aanu sugayno ilaa maanta.
Waxa kale oo aan madax weynaha u sheegayaa in uu aqoonsigu ku jiro
lugahayaga hadii ay xukuumadiisu xil iska saarto hore marinta Ciyaaraha.
S: Bal ka waran khibradii iyo waayo arag-nimadii aad ka soo faa’iiday
safarkaagii Spain?
J: Waxa iiga soo kordhay khibrad aad u balaadhan oo dhan kastaba leh,
laakiin wixii aanu ka soo faa’idaysanay safarkayagaa oo ahaa khibrad iyo
waayo aragnimo oo aanu u faa’idayn lahayn da’yarta Somaliland waxaan waxba
nagala qaban wasaaradii naga gacacsiinahayd ka faa’idaynta cilmiga aanu
soo baranay
S: Kawaran xagga Sportiga dalka se sideed u aragtaa wax qabadka Wasaaradda
Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha?
J: Horta sidii hore maaha oo sannadka dhan haddii la helo hal wareeg ama
koob naloo dhigo waa laga yaaba arintaana waxaan ku dhaliilayaa
Wassaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha oo aan odhan karo may gudan
waajibaadkeedii
S: Waxaad tahay ciyaartoy magac ku leh dalka maxaad u soo jeedinaysaa
Da’yarta Dalka gaar ahaan ciyaartoyda?
J: Waxaan soo jeedinayaa in bahda Sport-ga wax loo qabto oo la is garab
taago sidoo kale in ay ciyaartoyduna xagooda muujiyaan dadaal dheeraada oo
ay dhiisha xadhiga iskooga dhigaan waxa kale oo aan soo jeedinayaa in
annagana nalaga caawiyo sidii aanu ciyaartoyda ugu faa’idayn lahayn
farsamadii aanu ka soo baranay xidigaha kooxda Real Madrid. Top
Gudoomiyaha
Guurtida Oo Sheegay Inay Tabashadii
Miisaaniyada Golaha Isfahan Ka Gaadheen
Wasaaradda Maaliyadda |
Hargeysa, November 19, 2006 (Haatuf) –
“Arrimaha nabadgelyada iyo rabshadaha ka dhacay magaalo madaxda gobolka
Saaxil xil wuu nag saaran yahay in aanu ka hawl-galno, laakiinse xogtu ha
noo soo dhamaato” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan
Maxamuud Aadan oo saxaafada hadal kooban ku siiyey xarunta golaha, ka dib
markii uu kooramka goluhu u buuxsami waayey fadhigii shalay ee golaha
guurtidu.
Fadhigan oo uu gudoominayey gudoomiyaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
oo baaqday, ka dib markii kooramka goluhu buuxsami waayey, kana soo
xaadireen 39 mudane ayaa waxay saxaafadu wax ka weydiisay sababaha keenay
inkooramku u buuxsami waayo golaha guurtida.
Gudoomiyaha guurtidu Saleebaan Maxamuud aadan isaga oo arintaa ka
hadlayana waxa uu yidhi “Waad aragtaan in kooramkii goluhu buuxsami waayey,
hadaad doontana qora, laakiinse wax lala yaabo maaha in kooramku buuxsami
waayo oo waa wax iska dhaca”.
Mar la weydiiyey gudoomiyaha guurtida maadaama ay magaalada Berbera ka
dhaceen mudaharaado rabshado watay, waxa golaha guurtidu uga hadli waayey
arintaasi, waxa uu yidhi “Arintaasi xil waa naga saaran yahay, laakiinse
xogtu ha noo soo dhamaato, muxuu se goluhu arintaasi soo qaadaa hadii
kooramkiiba buuxsami waayey”.
Mar la weydiiyey gudoomiyaha guurtida arin la xidhiidha miisaaniyada oo ay
mudanayaashu cabasho badan ka muujinayeen qadarka miisaaniyada, taas oo ay
wasaarada maaliyada kala kulmeen maalmihii u dambeeyey halkay arintaasi
marayso, waxa uu yidhi “Ma maxbuus baan ahay, anaga iyo wasaarada
maaliyada wax miisaaniyada ku saabsan oo aanu isku haynaa ma jirto, sanad
hore wixii jirey ka kaalay wax aanu imika isku haynaana ma
jiraa,arintaasina way dhamaatay”. Top
Dil-Dilaaca
Fadeexadda Iskaraabka Iyo Isku Tuur-Tuurka
Masuuliyiinta Qaranka |
“Waxa Aan Hore U Joojiyey Ka Ganacsiga
Iskaraabka” Madaxweyne Rayaale
“Waa In Aanu Shirkad U Yeedhno Furfurta
Waxan [Wershadda Sibidhka] Oo Aynu Xadiidkaa Iibino” Wasiirka Wershadaha
“Waxaanu Aniga Iyo Madaxweynuhu Isla Garanay Wax [Iskaraab] Kooban In
La Siiyo Sooyaal Berbera” Madaxweyne Ku-Xigeenka
“Wershada Sibidhka Cid Ay Labada Masuul Ee Dalka Ugu Sareeyaa Siiyeen
Ma Jirto” Wasiirka Daakhiliga
Hargeysa, November 19, 2006 (Haatuf) - Fadeexad aan nooceeda hore loo arag
ayaa markii ugu horeysay soo food-saartay xukuumadda Somaliland ee uu
madaxweynaha ka yahay Daahir Rayaale Kaahin.
Fadeexadani waxay ka dambaysay ka dib markii maalintii Khamiistii ee
todobaadkii ina dhaafay ay kumanaan dadweynaha reer Berbera ah oo
gadoodsani ay xoog ku galeen dhismayaasha xafiisyada u ah maamulka gobolka
iyo Degmada Berbera.
Dadweynaha Mudaharaadayey ayaa ka cadhooday ka dib markii ay soo baxeen
warar sheegaya in wershada Sibidhka ee magaalada Berbera iskaraab ahaan
loo iibiyey, waxaanay taasi sababtay in ay dadweynahaasi gadoodsani
baabi’iyaan inta badan qalabkii iyo xafiisyadii dawladda ee gobolka Saaxil.
Waxa kale oo ay arrintani sababtay in ugu yaraan toddoba qof oo ka mid ah
dadkii mudaharaadayey ay bileysku rasaas ku dhaawacaan.
Arrintani waxay toosh meel dhow kaga ifisay maamul xumo baahsan oo
hadhaysay gebi ahaanba hay’adaha Xukuumadda Somaliland oo gaadhsiisan ilaa
qasriga madaxtooyada. Waxaase taa ka sii daran, oo ay dad badani aaminsan
yihiin in aanay xukuumadda Somaliland xataa mara iska saarayn cawrada
maamul xumadeeda. Hase yeeshee, maalmo ka hor dad badan oo kale ayaa
aaminsanaa in maamulka hadda ee Somaliland aanu xukun qar-qooshku sidaa
ugu sii badnayn. Balse waxa arrintan banaanka soo dhigay wasiir ku cusub
golaha wasiiradda, isla markaana aan ku diga jabsan habka wax is-daba
marinta ee maamulka madaxweyne Rayaale, waxaanu si saraaxad leh daboolka
uga qaaday wixii la qarinayey, isagoo indhaha dadka hortooda soo dhigay
naas irmaan oo muddaba masuuliyiinta min madaxweyne ilaa wasiir, ninba
dhiniciisa ka jaqayey oo kala qariyey oo aanu nina ka kale ogayn. Kaas oo
xataa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu gebagabadii ay garoonka ciyaarta
isugu galeen, isaga oo mid waliba xeeladiisa adeegsanaya.
Naaskani wuxuu irmaanaa labadii sannadood ee ina dhaafay, waxaana markii
ugu horeysay loo tuhunsan yahay inuu taagii ka qaaday Madaxweyne Rayaale,
ka dib markii xukuumadiisu ay iibisey markab sannadkii 2003 ku soo caaryey
xeebaha degmada Lughaya, kaas oo ay lafihiisiina sii feenteen xubno
wasiiro wakhtigaas ka ahaa xukuumadda Rayaale.
Laaskan Irmaan ee Iskaraabku wuxuu socdaba oo ninba taagtii qaataba, waxa
la iskugu yimid huubihii ugu dambeeyey, waxa la gaadhay wakhtigii la
xaraashi lahaa wershada Sibidhka ee Berbera, waa sida ay wararku nagu soo
gaadheen’e, waxaase dhacay, waxaan lagu talo galin, waxaanu Ilaahay ka
hadashiiyey, wasiirka Wershadaha Maxamed Saleebaan Weyne, oo isaga lagu
xanto inuu yahay caadifi aan balwadahan xukuumadda la qabsan, waxaanu
isaga oo horumarka laga gaadhay ganacsiga iskaraab ka waramaya yidhi:
“Wershadan inay u dhamaatay waad aragtaan, sidaasi darteed waxa weeye in
aanu shirkad u yeedhno furfurta waxan oo aynu xadiidkaa iibino. Waxaanan u
arkaa in sida ay shirkadan Jarmalka ahi ku qiimeeyeen waxani wershad
maah’e waa in dhulka ay ku fadhido laga qaado, oo furfuristeedana lagu
dhameeyo muddo laba sannadood, ah una qoro ilaa laba boqol oo shaqaale ah,
oo furfurkeeda, raristeeda iyo meel dhigeedada ka shaqeeya, mana hadhin
qiimo kale oo ay inoo leedahay.”
Hadaladan ka soo yeedhay Wasiir Max’ed Saleebaan Weyne, waxa ay af-kala
qaad ku noqdeen weriye ka tirsan TV-ga Madaxa banaan ee Somaliland ah oo
markaasi wasiirku hadlayey ku weheliyey safar uu ku joogay Wershada
Sibidhka ee Berbera.
Weriyahani inkasta oo aanu ahayn khabiir dhinaca wershadaha ah, haddana
15-kii ee Somaliland jirtay waxa uu maqlayey wershadani 50% way fayawday,
waxaanu isaga oo yaaban wasiirkii weydiiyey. “Wasiir sideed iskaraab ugu
sheegi kartaa adiga oo keligaa yimid, oo aanay xataa kula socon
Injineeradii wershada sibidhka ee odhan jiray 50% ilaa wixii ka sareeya
ayaa nool wershada?”. Hase yeeshee wasiirku isaga oo aan isku dhibin
jawaabta su’aashaa wuxuu si isku kalsoonaan leh, oo ay dad badani u
macnaysteen inay madaxweynaha wax iskaga ogaayeen, isla markaana markii
iskaraabkii wadanka yaalay ninba tamartii qaatay, la iskugu soo ururay
wershadii sibidhka, waxaanu wasiirku isaga weriyaha u jawaabaya yidhi.
“Arrintani wax qarsoodi ah maaha, waana la wada ogyahay, markii u horeysay
ee la yimaadana maaha, horena waa loo yimid, waana wax dhan qiimayntii
Injineerada waa la iska arkay, waanay ogyihiin, shirkad inay waxan lacag
iska geliso yeelaysaana ma jirto. Mana aha in aynu nidhaahno inaga oo heli
karayna wershado cusub oo casriga la socda shirkadeey kaalay oo 50%-ka ah
lacag iska geli, ma soconayso”.
Hadalkan wasiirku wuxuu soo toosiyey Madaxweyne ku xigeenkii Axmed Yuusuf
iyo koox SOOYAAL Berbera ah, kuwaasi oo ay hore u leeftay seefta Wareegto
uu madaxweynuhu ku mamnuuc iibinta huubihii ganacsigii xoorka weynaa ee
iskaraabka, ka dib markii uu suuqa ka maqlay xam-xam iyo is-qabsi ka yimid
markii uu gabaabsiga noqday. Ka dibna Xaaji Axmed Yuusuf waxa la odhan
karaa inuu u arkay in wareegtada joojinta in la is-khiyaamaynayo, waxaanu
isna warqad ogolaansho ah ku cayntaariyey kooxdii SOOYAAL Berbera.
Markii ay hadaladani soo baxeen, ayaa dadweynihii reer Berbera oo muddo 15
sannadood ah, habeen walba ku seexan jiray beraa la dhisi, ayaa gujo iyo
faq hoose, ku go’ baana lagu yidhi, nin walba halkuu joogay ayuu sidii wax
soo toosay uga soo dhaqaaqay, markii la isku yimid, ayaa la yidhi tani
eegasho ma leh, waxaana halkaasi ka dhacay mudaharaado rabshado wata.
Allaa Ceeb astura, mudaharaadkii ayey xukuumaddii oo aan iskaba war haynin,
ninba halkiisa sidii dhidar onkod kiciyey ninba siduu isku difaacayey wax
iska yidhi.
Waxa ugu horeeyey Madaxweynihii waxaanu yidhi. “Waxa aan hore u joojiyey
ka ganacsiga iskaraabka, haddii ay jirto mid la qaadayaa hadda ayaan
joojiyey”. Iyada oo uu sidaasi ka soo weriyey maalintii Mudaharaadku
dhacay, Afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale, oo u waramayey
weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Siciid Cige.
Ku darsoo wasiirkii Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil, ayaa isna tuush
cararay, waxaanu meel halkaas ka yidhi, isaga oo labada dhinacba difaac
is-leh waxa uu yidhi. “Amarku waxa weeye wershadan iyo iskaraab kale toona,
waa la mamnuucay, markaa dadka wax ma garatada ah ee sida xun wax loogu
sheegayo, waxa aan ugu baaqayaa oo aanu leenahay waa inaad dalkiina
lexejeclo u yeelataan oo aad iska hubisaan warka la idiin sheegayo”.
Inkasta oo uu C/laahi dadkii mudaharaadayey wax ma garato war loo dhiibay
madax maray ku sheegay, haddana waxa uu iska furay markhaati aan loo
qabsan, waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi. “Haddii uu madaxweyne
yahay iyo haddii uu madaxweyne ku xigeen yahay toona wershada sibidhka
haba yaraatee cid la siiyey oo labada masuul ee dalka ugu sareeya ay
siiyeen ama cid kale oo ka hoosaysaa siisay, siin kartaa ma jirto.
Madaxweynuhuna wuu cadeeyey, madaxweyne ku xigeenkana waanu ka wada
hadalnay khamiistii waan ka imid. Mana jirto wershada sibidhka cid la
siiyey ama SOOYAAL ha ahaato ama shakhsi kaleba ha ahaatee”. Garo C/laahi
wax uu ogyahay ayuu dambabas is-leeyahay. Markhaatigii dadkana fur.
Haddana masraxa iskaraabka isa soo taagay Wasiir Saleebaan Weyne, oo marka
horeba ahaa halkii ay sheekadu ka bilaabantay, waxaanu isaga oo dalka ka
sii dhoofaya ku dhaafay, hadalo iska horimanaya, waxaanu marka hore yidhi.
“Waxa jira nin Hindi ah oo magaciisa la yidhaahdo Kamaal Kumar, kaas oo
jooga dalka weliba Hargeysa, waa nin lagu sheegay baayacmushtari oo
iibsada iskaraabka, ninkaasi ayaa dalka yimid oo dhaq-dhaqaajiyey dadkii
uu macaamilka la lahaa ee uu odhan jiray biraha ii soo ururiya, mushkiladu
waxay ka abuurantay ninkaa Hindiga ee lacagta bixiyey ee iskaraabka loo
raro”. Ku darsoo wasiirku wuxuu u sheegay dadka inuu Hargeysa joogo ninka
suuq geynta u qaabilsan iskaraabka, kaasi oo sida uu sheegay nin ajnebi oo
haysta liisanka dhoofinta.
Balse wuxuu wasiirku haddana ka fad-kudiyey meel kale, waxaanu sheekadii
dhacdada Berbera markale ku eedeeyey madaxweyne ku xigeenka waxaanu yidhi.
“Inaadeeraw waxa ka dambeeya nimankii uu madaxweyne ku xigeenku siiyey
waraaqaha, kuwaasi oo ahaa dad yar oo kooban oo uu madaxweyne ku xigeenku
gaar wax u siiyey”.
Sheekadu halkaa kuma hadhin, waxayse gebi ahaanba fashilisay fadeexadii
iskaraabka ee labada sannadood socotay, ka dib markii uu shalay gelinkii
hore madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin isna gaarkiisa
iskaga difaacay eedii loo soo jeediyey, waxaanu isaga oo arrintaa ka
hadlaya. “haddii aan ka waramo iskaraabka waxaan filayaa wuxuu socday
muddo laba sannadood ah, labadaa sannadood haddii aan ku soo ururiyo
taydii u dambaysay, niman la yidhaahdo Jimciyadda SOOYAAL ayaa cabanayey,
hadday cabanayeen, waxa la yidhi soo mara sharciga, waanay soo mareen, ka
dibna ayey halkan iigu yimaadeen, iyaga oo wata Suldaan Maxamed Suldaan
Axmed Sheekh, waxaanay igu yidhaahdeen maadaama aan nala siin balan
qaadkii 10% in nala siiyo iskaraabka markii la rarayey oo aanay taasi
dhicin, markii aanu sifihii sharciga ahaa soo marnaynta waatan la yidhi
digreeto madaxweyne ayaa lagu joojiyee, markaan waxa aanu doonaynaa inaad
wax nagala qabato, ka dibna sidaasaanu aniga iyo Suldaanku isku raacnay oo
aanu madaxweynaha ugu tagnay, dabadeed waxaanu aniga iyo madaxweynuhu isla
garanay wax kooban in la siiyo, waxaas oo ah iskaraabka aan dalka anfaca u
lahayn”.
Isku soo duuboo af ka ay labada nin ee dalka ugu sareeyaa ku wada hadleen,
waxa ay dad badani rumaysan yihiin inuu yahay saami uu madaxweynuhu ka
badsaday madaxweyne ku xigeenka waqtigii suuqa iskaraabku xaamiga ahaa, ka
dibna madaxweyne Rayaale markii dambe soo saartay wareegtada mamnuuc ah,
dabadeedna markii dambe uu madaxweyne ku xigeenku kula garnaqsaday
arrintaasi, oo uu yidhi adna intaasaa kuugu dambaysa.
Isku soo wada duuboo fadeexadii Iskaraabku soo wada baxday, dakhligii ka
soo xeroodayna lama yaqaan meeshuu galay’e, inkasta oo wasiirka Maaliyadda
miisaaniyadii 2005-ta uu baarlamaankii hore oo weydiiyey ugu sheegay inay
ku dhacdo xisaab ka furan Djibouti, hadalkaa dabadeedse wax hadal haya
lama maqal. Waxaase la sugayaa nooca talaabada ay Baarlamaanku ka qaadaan
bal inay xukuumadda raaciyaan fadeexada iskaraabka iyo inkale. Top
Madaxweyne Ku-xigeenka
Somaliland Oo Iska Moosay
Eedda Rabshadihii Berbera Ka Dhacay |
“Saaxil Gobolada Kale Waa Iila Mid
Waxaanan Filayaa Haddii Aan Gacanta Kula Jiri Lahaa Arrinku Sidaa Ma
Noqdeen”
“Ma Rabo Inaan Wasiirka La Yooyatamo, Talaabada Laga Qaadayaana Waa Mid
Anaga Noo Taal”
“Aniga Iyo Madaxweynaha Khilaaf Naga Dhaxeeyaa Ma Jiro, Hadalkase Marka
Ay Talo Qaran Tahay Waa La Iskaga Horiman Karaa”
Hargeysa, November 19, 2006 (Haatuf) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland
Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa iska duway eeda ah inuu isagu bixiyey qoraal
ogolaanaya in iskaraab ahaan loo isticmaalo wershada sibidhka ee Berbera.
balse waxa uu sheegay inuu koox ka tirsan Mujaahidiinta SOOYAAL Berbera u
qoray warqad uu ugu ogolaanayo iskaraab ay hore u urursadeen oo ka baxsan
wershadda Sibidhka.
Arrintan sababtay inay dadweynaha reer Berbera mudaharaado rabshado wata
kaga jawaabaan arrintaasi, taasi sababtay in la gubo goobo ka tirsan
maamulka gobolka iyo degmada Berbera.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku tilmaamay mudaharaadkaasi mid ay ka
dambeeyeen dad dano gaar ah ka lihi. Waxaanu xusay in saddex maalmood ka
hor mudahaaradkan dadka reer Berbera la daawadsiiyey cajalad laga duubay
wasiirka Wershadaha Maxamed Saleebaan Weyne, oo uu kaga hadlayo Wershada
Sibidhka, taasi oo uu wasiirku ku sheegay in wershadu tahay mid aan waxba
laga qaban karayn oo ay iskaraab ahaan u iibinayaan. Hase yeeshee wuxuu
madaxweyne ku xigeenku sheegay in arrintaasi weli baadhisteeda gacanta
lagu hayo, cidii ay ku cadaatana talaabo laga qaadayo.
Waxaanu madaxweyne ku xigeenku farta ku fiiqay hadalka ka soo yeedhay
wasiirka, kaasi oo uu sheegay in aan halkaasi lagaga hadhi doonin ee
talaabo laga qaadi doono wasiirka.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu arrintaasi kaga hadlay shir jaraa’id oo uu
shalay xafiiskiisa ku qabtay, waxaanu shirkiisa jaraa’id ku bilaabay.
“Haddii aan ka hadlo arrinakn la leeyahay wuxuu ka dhacay iskaraab, waxa
aan filayaa malaha iskaraabka wuu ku dambeeyey. Waxa la yidhi “Hasha kud
waa dilaa waana loo weheliyaa”. Haddii aan ka waramo iskaraabka waxaan
filayaa wuxuu socday muddo laba sannadood ah, labadaasi sannadoo haddii
aan ku soo ururiyo taydu u dambaysay, niman la yidhaahdo Jimciyada SOOYAAL
ayaa wadda cabaanayey, hadday cabanayeen, waxa la yidhi soo mara sharciga,
waanay soo mareen, ka dibna aniga ayey halkan iigu yimaadeen, iyaga oo
wata Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Sheekh, waxaanay igu yidhaahdeen
maadaama aan nala siin balanqaadkii ahaa 10% in nala siiyo iskaraabka
markii la raraayey oo aanay taasi dhicin, markii aanu sifihii sharciga
ahaa soo marnayna waatan la yidhi digreeto madaxweyne ayaa lagu joojiyey,
dee markaan waxaanu doonaynaa inaad wax nagala qabato arrinkaasi, dabadeed
waxa aan ku idhi digreeto madaxweyne burin maayee aan madaxweynaha idinka
soo qaado amar, bal idinkuna haddaad leedihiin u qabateeya, ka dibna
sidaasaanu aniga iyo Suldaanku isku raacnay oo aanu madaxweynaha ugu
tagnay, dabadeed waxaanu aniga iyo madaxweynuhu isla garanay wax kooban in
la siiyo, waxaas oo ah iskaraabka aan dalka anfaca u lahayn ee xadiidka ah
in la siiyo, waxaananu ku xidhnay shuruud ah in aan la taaban karin
xayndaabka wershada shamiitada. Wax lagaga qabto ayuu arrinkaasi ahaa,
horta haddii la yidhi madaxweyne ku xigeenkaa bixiyey mugdi kuma jiro waa
sidaa.
Laakiin haddii aan xaalada Berbera u soo noqdo wax badan baa isdaba yaalay,
ma jeclin in aan inta badan ka sii hordhaco, arrinkuna wuxuu ku jiraa
baadhis, baadhistuna ninka ay ku cadaato talaabo ayaa laga qaadayaa,
waxaase hubaal ah cajaladii uu ka hadlay nin ka mid ah wasiiradayada in
saddex cisho la geeyey Berbera oo dad badan la daawadsiiyey, halkaa waxa
ka unkamay in ninkii ujeedo lahaaba ka faa’iidaystay, taas oo aan u arko
dadka wax burburinayey dad aan muwaadiniin ahayn, waxaanay ahaayeen dad
ujeedo gaar ah leh, xiisad horena way jirtay oo ka timid xagga shidaalka,
tan dambena way ku sii siyaaday. Imikana arrintu waxay ku jirtaa baadhis
oo waxa ku maqan wasiirkii Daakhiliga iyo ciidankii gurmadka, arrintaa
cidii lehna dhabarka ayaa loo xambaarinayaa”.
Intaa ka dib waxa madaxweyne ku xigeenka la weydiiyey su’aalo ku saabsan
mawduucan uu ka hadlay iyo kuwo kaleba, waxaanay su’aalahaasi iyo
jawaabihii uu ka bixiyeyba u dhaceen sidan:-
S: Waxa aad ka hadashay cajalad laga hayo wasiirka Wershadaha oo la
baadhayo, cajaladaasi TV-ga madaxa banaan ayaa sii daayey, waxaanu
wasiirku ku sheegay in iskaraabkaasi dhamaantiis la rarayo, isla markaana
aanu ahayn ama iskaraab wax anfacaya. Wasiirkuna wuxuu ka tirsan yahay
xukuumadda, xukuumaddana idinkaa ka taliya, markaa waxan maanta dhacay
miyaanay xukuumaddu masuul ka ahayn?
J: Arrintaasi waa arrimaha baadhista ku maqan, dabcan cajalada waanu
daawanay, baadhistaasi markay dhamaatana cidii ay ku cadaato ayuun baa
dhabarka loo saari doonaa, laakiin berigii hore miyiga markii aanu reer
miyiga ahayn rag badan baan lagu aamini jirin, talada, waxaanay odhan
jireen markaan u soo gondo dego Rife iyo rife kalkaal, rifuhu waxa weeye
ninka dadka wax hogaamiya isku dira, rife kal-kaalna waa ninka kan wax
isku diraya u adeega. Waxa kale oo jira mid la yidhaahdo UDUB xajis,
kaasina waxa weeye ka reerku marka u dego ee ay dumarku aqal soomaaliyadda
dhisayaan UDUBka u qabta ama u xejiya. Markaa arrimaheena waxa aad moodaa
in magaalada lagu soo ururay, raggii arrimahaasi laga ilaalin jirayna way
soo dhexgaleen.
S: Waxa jira shirkado ay xukuumadu heshiisyo kula gashay ama ka iibisay
iskaraabyada wershadaha, markaa adigu ma waxa aad leedahay waxba kama ogi?
J: Anigu waxa aan jeclaan lahaa arrintaasi in horteena yimaado oo cidii
wax lala galay marka ay horteena timaado ayey maanta talaabada ay reer
Berbera ku deg-degeen ay ahayd in maalintaasi ay la sugaan. Laakiin
maalinta aanu madaxweynaha isla garanay arrintan, go’aankeeda, waxa goob
joog ka ahaa suldaan Maxamed Suldaan Axmed Sheekh.
S: Wasiirka Wershaduhu wuxuu sheegay in aanu madaxweynuhu waxba ka ogayn,
arrintan adiguna waxa aad sheegtay inaad ka wada tashateen oo aad isla
garateen inaad waraaqdan u qorto, buuqa iyo rabshadu ka dhacday, markaa
miyaan loo arkin karin marka wasiirka la eego in arinkani adiga kugu gooni
yahay oo aanu madaxweynuhu kula ogayn, maxaadse ku cadaynaysaa in
madaxweynuhu kula ogaa?
J: Mar horena waan sheegay oo anigu ma jecli in aan wasiirka la yooyatamo,
wasiirkana waxa haboon in talaabo cad laga qaado, waxaanay u taala
madaxweyne inuu talaabo ka qaado.
Tan maanta taagan ma qabo inaan idhaahdo hebel iyo hebel ayaa ka dambeeyey.
S: Si loo ilaaliyo sharafta qaranimada iyo haybada dawladnimada, isla
markaana taariikhda wadanka adiga far-waaweyn lagaaga qoro, baal dahab
ahna lagaaga geliyo, miyaanay haboonayn mar haddii magacaagiiba soo galay
eedaha arrintan inaad is-casisho?
J: Waxa aan filayaa documents-kii runta ahaan inaan idin tusay, mase rabo
inaan idin siiyo wixii aan qoray ee halkaa ku yaala waan qoray, markaa dee
haddaan dambi yeelanayo adba ii sheeg.
S: Hadda idinku miyaad ku talo jirtaan inaad maamulkii gobolka wax ka
qabataan?
J: Horta haddii la idin yidhi maamulka gobolka lug baad [madaxweyne ku
xigeenka] kula jirtaa waa been, Saaxil-na gobolada kale waa iila mid
waxaanan filayaa haddii aan gacanta kula jiri lahaa arrinku sidaa ma
noqdeen. Madaxweynahaana u xilsaaran oo hay’adaha qaranka ee waaweyn oo
dhan, isagaa u magacaaba, haddii sida ragga qaarkii aan lug kula jiri
lahaa wax badan baa xumaan lahaa. Waxa weeye aniga dastuurku wax buu I
siinayaa, isagana wax buu siinayaa laakiin imika in wax laga qabto waa
arrin muhiim ah.
S: Wasiirka Wershaduhu waxa uu adiga kugu eedeeyey inuu ku soo galay oo uu
kugu yidhi wershadii sibidhka waa la furfuranayaa, adiguna imika waxa aad
sheegtay inay arrintu sidaa ka duwan tahay, bal ka waran?
J: Horta mid aan kuugu noqdo wasiirku halkanuu soo galay, wasiiraa
fadhiyey, wuxuu igu yidhi wershadii sibidhkaa la guranayaa, waxaana ku
idhi haddii la furfuranayo imika tag oo cida furfuranaysa soo xidh-xidh
ilayn adiga ayaa wasiirkii wershadaha ah’e. ka dibna waxa aan la hadlay
Gudoomiyihii gobolka, wuxuu igu yidhi arrintaasi waxba kama jiraan, isagii
baan u yeedhay, waxaan ku idhi, saaxiib maadaama aad tahay wasiirkii
wershadaha waxa lagaa rabaa inaad imika tagto oo aad soo xidho cida
furfuranaysa.
Ma rabo inaan wasiirka la yooyatamo, talaabada laga qaadayaana waa mid
anaga noo taal.
S: Waxa aad sheegtay inaad ku egtahay inta dastuurku kuu ogolyahay,
bulshaduna waxa ay aaminsan tahay in adiga iyo madaxweynaha la idin soo
wada doortay, markaa marka laga yimaado inta dastuurku ku siiyey miyaanad
wax talo ah ku lahayn arrimaha kale go’aan ka gaadhistooda?
J: Wax badan baa ra’yigayga ka dhiibtay, laakiin dee go’aanka u dambeeya
madaxweynaha ayaa leh.
S: Xukuumadan aad madaxweyne ku xigeenka ka tahay waa la soo doortay,
waqtigii ololaha lagu jirayna wadanka balan qaadyo badan ayaad u samayseen,
dadka Saaxil-na marka arrintan laga yimaado tabashooyin badan bay qabeen
oo ay rumaysan yihiin in la dayacay, markaa waxa la leeyahay iska daa waxa
aad u qabataan’e wixii dalka yaalay inaad guranaysaan, miyaanay taasi
keenayn iska daa arrintan’e in aad idinka iyo dadkii aad maamulayseen kala
baxsataan?
J: Horta haddii aad naga dhigto rajiimkii Afweyne, maanta Rajiimkii
Afweyne inta ay dadku mudaharaadaan iyaga oo nabad qaba may tageen, waxaad
maqli lahayd boqolaal dhintay iyo boqolaal baa la xidhay, balanqaadyada u
weyn ee aanu Berbera u qaadnayna waxa weeye, wershadii laydhka, taana
2-dii mishiin ee waaweynaa way yaalaan, oo waxaan dhigay guriga Martida [Berbera],
waxaana is-dhaafay qalabkii iyo mishiinadii, dabcan wadankeena
miisaaniyadu ma xamilayso in culays badan la saaro.
Markaa miisaaniyaddii 2005 iyo 2006 ayaanu u qaybinay, imika qalabkii wuu
imanayaa waxa noo hadhay waa gacantii oo laga yaabo in miisaaniyadan la
geliyo, laakiin waa in qandaraaskii la siiyo cidii fulinaysay, Berbera
balanka aan u qaadnay ee u weynaa laydhkaasuu ahaa, waxaanan filayaa
qaboobahani inta aanu dhamaan in la dhamaystiro. Dalkeenu wuu baahi badan
yahay waxaynu ku jirnay 15 sannadood, dee 15-kaa sannadood 7 ka mid ah
dagaal sokeeye ayaynu ku jirnay, dee dadka waxaan jirin ha u sheegina,
intaynu qabsanaynay intaana ma jiro dal kale oo Afrikaan ahi ma qabsan,
waayo waxaynu qabanay doorashooyinkii is-daba jooga ahaa. Maantana halka
aynu maraynaa waa meel Ilaahay loogu mahad naqo, Rasuulkuna waxa uu yidhi,
amaanka waxa laga gartaa marka ay dhibaatadu dhacdo, caafimaadkana waxa la
gartaa marka xanuunku yimaado.
Markaa ha iila hadlin sida mucaaradku u hadlo, laakiin adigu saxafi ayaad
tahay’e dhex-dhexaad noqo.
S: Waxa jira arrin taxan ilaa Jarmalka oo la leeyahay wershadani ma
shaqaynayso, oo iskaraab ahaan baa loo iibinayaa, oo xukuumaddii baa
heshiis la soo gashay, shirkadda Jarmalka, badhasaabka Saaxilna saddex
maalmood ka hor ayuu sii ogaa, in mudaharaad la samaynayo, oo ardayda la
abaabulayey, miyaanay noqonaynin in xukuumadda oo weliba gaar ahaan
badhasaabka iyo wasiirku ka dambeeyeen arrintan?
J: Taasi horta baadhistay ku imanaysaa haddii ay intaa leeyihiin iyo
haddii kaleba. Tan aad leedahay Jarmalka anigu waxa aan qabaa inuu
Jarmalku degayo, oo wershadiisu u laalaaban tahay, markaa teenan
iskaraabka ah waxay ugu soo noqdaanba waa faduul.
S: Laakiin wasiirku wuxuu sheegay in aan wershadan hore la kicin karin,
balse iskaraabkeedu laba kale soo goynayo, sidaasina ay kula taliyeen
qolada Jarmalka ahi?
J: Waxay kula taliyeen waa wax soo socda, waxa aan ku idhi taa meel noo
dhig.
S: Waad ogtahay nolosha dadku markii aad awooda qabsateen, siday ahayd,
iyo farqiga maanta u dhaxeeya inay noloshu cidhiidhi sii gelayso, ma TOTAL
iyo shidaalkiibaa, ma maceeshadiibaa, maanta waxa aad tidhaahdeen
wershadii sibidhka ee ay reer Berbera oo dhami ilaashanayeen iskaraab
ahaan baa loo iibinayaa, markaa hadday halkaaba marayso sidee la idiin
aaminayaa, ama aad dadka u sii hogaamin kartaan?
J: Wershada aad sheegayso aniga iyo adigaba waxa ka saaran masuuliyad,
haddii wax la yeelo ama la qaatana waa inoo nacasnimo. Marka la leeyahay
wershadaasi waa iskaraab iyo maaha waa in la is-qanciyo oo xitaa haddii
gidaar keli ah ka taagan yahay.
S: Waxa la leeyahay xisbiga UDUB waxa aad iskaga sharaxaysaa madaxweyne
doorashada soo socotaa, markaa arrintaasi ma jirtaa waase goorma
shirweynihii xisbigu, waa sideese xidhiidhka adiga iyo madaxweynuhu?
J: Horta aniga iyo Madaxweynaha khilaaf naga dhaxeeya ma jiro, hadalkase
marka ay talo qaran tahay waa la iskaga horiman karaa, laakiin waa talo
qaran. Inaguna taasaynu u naqaanaa labadii nin way kala tageen.
Xisbiga UDUB-na aniga iyo madaxweynuhuba ka mid baanu nahay, hadday markaa
noo gartaan inaanu nahay musharaxiinta dambe qaar wax goynaya dee iyaga
ayey u taalaa.
S: Beri dhaweyd waxa dhacday in Boorame la isku qabsado arrinta xaalufinta
kaluunka, adiguna waxa aad ka dhawaajisay maalintii dhaweyd ee Akadamiga
in la joojiyo xaalufinta badda, arrintaa ruqsadeeda waxa laga bixiyaa
madaxtooyada, madaxweynaha miyaad ku kala aragti duwan tihiin, miyaydaan
gaar isu arag madaxweynaha?
J: Shirkaddii HOPE Company ee waxaa samaysay ruqsadii waa laga qaaday.
Kuwa kalena hadday sii wadaan Insha Allaah waxa aan filayaa in talaabo
adag laga qaado. Top
Qaar Ka Mid Ah
Dadweynaha Boorama Oo Dareen
Cadho Leh Ka Muujiyey Nin La Sheegay Inay Ciidamada
Amniga Itoobiya Ka Kaxaysteen Magaalada,
Oo Lagu Daabacay Haatuf |
“Ma Jiraan Ciidammo Itoobiyaan Oo
Xaajigaa Ka Kaxaystay Boorama” Xubin Ka Mid Ah Qaraabada Xaaji Yuusuf
Boorama, November 19, 2006 (Haatuf) – Qaybo ka tirsan dadweynaha magaalada
Boorama ayaa dareen cadho leh ka muujiyey, isla markaana ku tilmaamay wax
aan sal iyo raad toona lahayn war lagu daabacay Wargeyska Haatuf
cadadkiisii soo baxay dorraad Jimihii kaas oo lagu sheegay in ciidamada
amaanka ee Itoobiya ay magaalada Boorama ka kaxaysteen nin ka tirsan
ganacsatada reer Jig-jiga, balse dhalasho ahaan ka soo jeeda degaanka
Awdal.
Warkan ku saabsan ganacsadahaasi oo la yidhaahdo Xaaji Yuusuf Cismaan
Xasan, ee wargeyska lagu daabacay, ayaa qoraal ay Boorama ka soo saareen
xubno ka tirsan Beesha, qaraabada iyo asxaabta Xaaji Yuusuf waxay warkaas
ku tilmaameen mid been-abuur ah oo lagu magac-dilayo ganacsadahaasi oo
siday sheegeen aad looga yaqaanno dalka Itoobiya, gaar ahaanna Magaalada
Jij-jiga.
Qoraalka ay xubnahaasi soo gaadhsiiyeen Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal,
Maxamed Cumar, waxa uu u qorraa sidan:
“Annagoo ka mid ah ehelada iyo saaxiibada iyo beesha uu ka soo jeedo
ganacsade Xaaji Yuusuf Cismaan kuna nool magaaladan Boorama waxaanu la
yaabnay warka ku saabsanaa in ciidamada dalka Itoobiya ay Boorama ka
kaxaysteen Xaaji Yuusuf Cismaan, iyagoo ka soo eryeday dalka Itoobiya.
Warkaasi maaha mid jira, cidda wargeyska u geysayna waxaanu u aragnaa cid
ujeeddooyin iyo dano gaar ah oo lagu xumaynayo ama lagu magacdilayo
ganacsadahaasi doonaysa, balse aanay waxba ka ridayn dacaayadda iyo beenta
laga faafinayo. Waxan ka xunnahay in Wargeyska Haatuf, oo ah wargeys caan
ah oo la qaddariyaa wararka caynkaas ka qaataan dad la odhan karo ma
caafimaad qabaan.
Waxa kale oo aan u sheegaynaa ciddii shaki kaga jiro in falkaasi been
yahay, in ganacsadahaasi beenta laga sheegay degaankiisii iyo meheraddisii
ganacsi ee uu ku leeyahay magaalada jijiga.
Ugu dambayntii waxaanu u sheegeynaa in ciddii falkaasi kaga been sheegtay
Xaaji Yuusufna aan looga hadhi doonin, lana horkeeno doono sharciga si
loogu qaado dhibaatada uu geystay.”
Haddaba iyadoo ay badnaayeen xubnaha ku qoraa jawaabcelinta warkaasi, ayaa
waxaanu ka soo qaadanaynaa xubnaha hoos ku qoran oo isugu jira Beesha,
qaraabada iyo saaxiibada Xaaji Yuusuf waxayna kala yihiin:
1. Maxamed C/raxmaan Xuseen
2. Cabdi Cismaan Dhegoweyne
3. Axmed Xuseen Aamin
4. Yaasiin Batuun
5. Maxamed C/raxamaan Xuseen
Dhinaca kale, warkan ku saabsan Ganacsadaha la sheegay in ciidanka amaanka
ee Itoobiya ka kaxeysteen magaalada Boorama, oo aanu wax ka weydiinay
taliyaha saldhigga Bileyska Boorama, Muuse Cabdillaahi Hanfi (Kaadhiin),
waxa uu kaga jawaabay oo uu taliyuhu yidhi: “Warkaasi waa been waxna kama
jiraan, annaguna ma ogin ciidan Itoobiya leedahay oo intay magaalada iska
soo galeen dad ka kaxaystay, waxaana naga dhexeeya tixgelin iyo deris
wanaag.” Top
Xasan Daahir
Aways Oo Shaaca Ka Qaaday Inay
Maxkamaduhu Baadi Goobayaan Gobolada
Soomalidu Degto Ee Kenya Iyo Itoobiya |
Muqdisho, November 19, 2006 (Haatuf) –
Masuuliyiinta sare ee Maxaakiimta Muqdisho ayaa markii ugu horaysay
cadeeyay inay baadi goobayaan gobollada Soomaaliya ka maqan ee ay degaan
Somalidu ee dalalka Itoobiya iyo Kenya, si loo helo dalkii Somaliweyn.
Gudoomiyaha golaha Shuurada Xasan Daahir Aweys ayaa shalay warbaahinta u
sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay Soomaalida oo dhan u middayn
lahaayeen, isla markaana ay soo celinayaan dhulalka ka maqan ee ay
haystaan dalalka Kenya iyo Itoobiya oo uu sheegay in cadaawad xumi ka
dhaxayso maxaakiimta xilligan.
Mr. Aweys ayaa waxaa kale oo uu ku tilmaamay warbixin ay soo saartay
guddida ilaalinta cuna-qabaynta hubka ee Qaramada Midoobay ugu xilsaaran
Somalia dhawaan, mid been abuur ah oo laga leeyahay ujeedooyin gaar ah
kuwaas oo la doonaayo in Soomaaliya xaalado cusub oo dagaal laga qarxiyo.
Dhinaca kale goloha Maxkamadaha Muqdisho ayaa wareegto ka soo saaray ka
ganacsiga qaadka iyo cunistiisaba.
Go’aankan lagu joojinaayo qaadka ayaa la sheegay in ciddii ku xad-gudubta
la saari doono ganaax lacageed oo kala duwan qofkii awoodi waayana waxaa
loogu badali doonaa xabsi .
Wareegtadan maxkamadaha Muqdisho ay soo saareen oo uu ku saxeexan yahay
gudoomiyaha fulinta Shariif Axmed isla markaana shir jaraa’id oo ka dhacay
xaruntiisa ku sheegay in go’aanka lagu mamnuucaayo qaadka ay soo
gaadhsiiyeen goloha shuurada ka dibna golahooda fulintu ay qaateen
talaabadan ay ku joojinayaan, isaga oo sheegay inay talaabadani tahay mid
lagu badbaadinayo shicibka Soomaaliyeed oo muddooyinkii u dambeeyey ay ku
soo badanaysay cunista qaadku.
Wareegtadan waxaa ka horeeyey tiraba saddexdii maalmood ee ugu dambeysay
lagu gubay magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Koonfurta
Soomaaliya shixnado qaad ah oo ka soo degey garoomada Muqdisho iyo No. 50.
Hase yeeshee waxay warar sheegeen in go’aanka qaadka ay ku joojiyeen
Maxkamaduhu aanay wax saamayn ah ku yeelan qaar ka mid ah xaafadaha
magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay in maalintii shalay qaadka lagu
iibinayay isla markaana dadku ay ku cunayeen, iyadoo aan la garanayn
jihada uu qaadkaasi ka soo galay magaalada. Top
Kooxdii Ex-Star Oo Loogu Wan Qalay Magac Cusub |
HAATUF SPORTS:
Hargeysa, November 19, 2006 (Haatuf) – Kooxda Star oo ka mid ahayd kooxaha
heerka koowaad ee magaalada hargaysa ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta
kooxdaasi waxa laga badalay magaceedii hore ee ay ku ciyaari jirtay oo
ahaa Star halka imika wixii ka dambeeya uu magaceedu ahaan doono Wellman
oo loo aqoon sanaan doono magacaa cusub. Dhanka kale kooxda Wellman ayaa
waxa ay xustay sannad guuradeedii 7-aad ee ka soo wareegtay markii la
aasaasay sannadii 1999.
Munaasibadan ayaa waxa lagu xusay koob loo dhigay oo ay ka qayb galeen
ilaa afar kooxood oo ay aakhirkiina iyadu ku guulaysatay ka dib markii ay
kooxda Waaheen kaga badisay 2-1.
Haddaba ciyaartan oo ay kooxda Wellman la ciyaaraysay koox aan iyadu runti
aynu odhan karo waxay ahaayeen xul maadaama ay u badnaayeen ciyaartoy la
isku keenay ayaa haddana ay kooxda Wellman waxa ay muujisay ciyaar aad u
heer saraysa iyada oo kubadda ka xarimtay in ay gasho cagaha kooxda
Waaheen, taas oo aynu odhan karo waxa ay kooxdu waa Wellman e halkaa ka
muujisay dhoola tus la yaable oo u muuqday fariin cad oo ku socotay
kooxaha ay filayso in ay mustaqbalka mar uun kulmi doonaan.
Waxa u ciyaara kooxda Wellman ciyaartoy waa weyn oo ay ka mid yihiin
weerar-yahanno iyo difaac-yahanno halis ahi, kuwaas oo kooxda u soo hoyn
kara guulo waa weyn.
Waxa la filayaa in kooxda aad loo dhisi doono dardar xooglana la galin
doono wakhtigan cusub ee ay u soo wareegtay xagga Wellman oo maal galini
doonta.
Isku soo duba ridka koobkanna waxa lahaa Yaasin Aabe Yare. Top
Cali Duul-Duul
Sheekaba sheekay keentaaye, waxa la yidhi beri baa waxa jirey nin aad iyo
aad u geel badnaa oo lagu yaqaanay inuu gu’ iyo jiilaal dhalo oo aan marna
laga caano-waayin, kaas oo uu ku caan ahaa ninka geelaha ahi inuu aad u
jeclaa dhamista caanaha geeliisa, caanahaas oo uu u isticmaali jirey dhay,
dhanaan, karur, may-dhaan iyo noocyo kale ayaa maalintii dambe xanuunsaday,
dabeedna waxa loo keenaa caanihii geeliisa oo lis ah, markaaysay ka degi
waayaan, markaasaa kuwo dhanaan oo xalay baryey loo keenaa markaasay ka
daraan oo uu si deg-deg ah uu u soo celiyaa, sow sakaraadkii baa haya
xaajiga. Dabeedna wuu baxaa-degaa oo dhinacna wuu xamili-waayey, iyada oo
ay xag kalena ka degi la’dahay waxa ka qabsaday caanihii macaanaa ee uu ku
qaboobi jirey, dabeed habeenkii dambe yidhi isaga oo ay hareeraha hayaan
rag dhawr ahi waar bal xaga kalana ii roga waxa caanihii geela ii diiday
waa yaabe.
Haddaba, waxaan taa uga jeedaa, waxaan in muddo ah arkayey siyaasadii
qolada mucaaradka ahi isticmaali jireen oo mar itoobiya isku qaadaysa,
mara aad moodo inay shareecada islaamka fooda geliyaan. Runtii shareecadu
waa xaqiiqdii oo meel loo dhaafaa ma jirto. Laakiin ma u eegtahay waa
yaabe bal xagana ii roga.
Sheeko kale waxa la yidhi beri baa waxa soo safray nin, ninkaas oo u
socday meel aad uga fog degaankii uu ka yimi, dabeedna maalintii dambe
goor barqo ah ayuu ku soo beegmay reer jees ah oo meel cidlo ah yaala,
isaga oo aad u gaajoonaya, sahaydii uu sitayna ka go’day maalintii hore,
dabeeto wuxu yidhi waar guriga yaa jooga oo qaylo dheer ah, dabeedna la
yidhi anagaa joogna, waa afadii reerka lahayd iyo caruurteedii oo kaliya,
dadkaintiisii kale waxay ku mqan tahay xoolihii ka dareeray guriga, kolka
laga reebo odaygii oo u kacay xagaa iyo kabadhahii ama tuuladii ninba
siduu u yaqaane. Ninkii gabadhii ayuu u sheegay inuu qadoodi ahaa maalin
iyo habeen, sidaas awgeed lala soo gaadho cunto iyo biyo, biyihii ayay u
soo dartay. Hase ahaatee waxay uga dayrisay in aanay wax cunto ah haynin,
goortii uu is yidhi caga-jiid dhaqaaq ayuu jaleecay ardaa duleed u
dhexeeya xerada adhiga iyo guriga, saa wuxu arkay dheri aan dabool lahayn
oo ay ku jirto waax hilib ah oo ka hadhay neef ido ah oo ay xalay qasheen,
dabeeto intuu waran uu sitay ku mutay ayuu degta saaray oo la dhaqaaqay,
gabadhii oo ka baxaysa ayaa ka soo daba dhaqaaqday oo ku tidhi waar cadka
ii dhig, dabeed wuxuu ugu jawaabay naa cadku ku dhaafye maraqa cab.
Haddaba, taa waxaan uga jeedaa reer Berberow kaluunkii badu idin dhaafye
iskaraabka yuuna idin dhaafin.
Kuli ururadoo dhani ka daran
Kud iyo daacuune
Kalahaad waxay ugu jiraan
Kimisay raadshaane
Ku miskiin kalkaal sheegtayoo
Kaadibbaa yimiye
Kun baa qaday kun baa liita
Iyo kumaan kalaa qaawan
Oo kudaafadaha baadha bay
Koor ugu baaqeene
Kolkan waxay cadeeyeen wixii
Koonfur berigiiye
Kashifkii ka dhacay Baydhabay
Soo kilkiliyeene
Kaalmay ku doondoonayaan
Kaartadaa fudude
Keeryooneyaashay baxshaan
Waa kelifnimo’e
Waxaad koofiyadaha ugu wacan
Kamarad fiidyowe
Kadlada iyo orodkaa ka garan
Ay karkabadayne
Kinsi weeyi Somaliland
Karin barwaaqaade
Karanta iyo dayrtaa kabtoo
Lagu kashbaacowye
Kolay way jiraan koox habeen
Kariska weydaaye
Ka xigay wixii uu u karo
Lagaga keenaaye
Kartoonaa la cunay waa ku ceeb
Waana kala guure
Na kaalmee allahayow
Aday kaaga noqotaaye
Kaambaynka UCID waa sidii koor
La soo qoraye
Kol maxkamadahay ula tagaan
Sheeko kaaracane
Oo ay ku raacaan waxay soo
Khatimayaane
Kola waxay ku baaqaan war iyo
Qaran kobcaysiine
Kola waxay ku miisaan afxumo
Kiilka xabashaade
Kola waxay yidhaahdaan sharciga
Inay kalkaalshaane
Kolba dhinac u kace waa waxay
La kardhanaayeene
Na kaalmee allahyow aday
Kaaga noqotaaye
Kulmiye iyo udubtuna cidlay
Karaarahayaane
Waxay Kaman ka wada tumanayaan
Kaymahaa sara’e
Kariiri bay ciyaaraan hadaa kiin
U filayseene
Kursigaba waxay moodayaan meel
Kilaabyaha’e
Kadaloob xumaa nimanku sow
Xaajo lama keeno
Kambalada berbera waxa ka dhacay
Waa kacdoon culuse
Dad kadeedan baa jooga oo
Kolanyo moodaaye
Hadba waxan kabo’ba dhaamin baa
Lagu kaxeeyaaye
Hadii ay ka kululaanayeen kaaluf
Ama xaaluf
Kirada iyo badweyntay ahayd inay
Ka diiraane
Kaluunkii la’ waa iyo libaax
Koronkortiisiiye
Kol horey ahayd inay dhigaan
Waxan la koobayne
Waxanay karaab ula ordeen waa
Kas gaabnimo’e
Na kaalmee allahayow aday
Kaaga noqotaaye
Konton baarlamaanoo ku shirey
Kalowyadaa sheekha
Oo kuba ku kale gaadayoo kala
Kor joogaysta
Oo kala niyadi waa waxaa
Laysu kaarahaye
Ee ay la kala yaacdee kaashigi
Dilaye
Na kaalmee allahayow aday
Kaaga noqotaaye. Top
Wax Ka Baro
Mucjisooyinka Kownka |
Wax Ka Baro Mucjisooyinka Kownka… –
Jil-boole (Uranus)
Q: 6aad.
Diyaariye: Xirsi Cismaan, Frankfurt am main Germany
Meeraha "Uranus" Soomaaliduna u taqaano "Jil-boole" waxa uu fogaan ku
dhawaad saddex bilyan oo kilo-mitir kaga wareegaa Qoraxda, waxayna ku
qaadataa muddo 84 sannadood ah inuu ku dhamaystiro hal-wareeg oo uu
Qoraxda ku sameeyo, maalintiisuna waa 17.3 saacadood.
Ugu horaynba haddii lays barbar dhigi lahaa Meeraha Uranus iyo dhulkeena
waxaa kuu soo bixi lahaa sawir qaabkan hoos ka muuqda oo kale leh
Meeraha Uranus oo ku dhawaad saddex bilyan oo km kaga wareegaya Qoraxda
waxay ku qaadataa muddo 84 sanadood ah inuu ku dhamaystiro hal mar oo uu
Qoraxda ku wareegaa, maalintiisuna waa 17.3 saacadood, wuxuu afar jeer ka
sii durugsan yahay masaafada uu qoraxda u jiro Meeraha Jupiter, taasina
waxay geyeysiinaysaa inuu wakhti aad uga badan ka ay ku qaadato Jupiter
halkii wareeg ee uu Cadceedda ku sameeyaa, waxyaalaha uu kaga baydhay
Meeraha Uranus, kuwa kale waxaa lagu tilmaamaa inuu leeyahay hal qaab oo
aan is doorin iyo samays si qudha u yaala oo aan isbed-bedelin inkasta oo
uu laftiisu ka mid yahay meerayaasha Naqaska ka samaysan midabkiisuna u
dhowyahay buluug cagaar xiga.(eeg sawirka hoose)
Sawirkan waxaa qaaday Voyager2 masaafad u jirta ku dhawaad 2bilyan oo km
1986
Meeraha Uranus wuxuu leeyahay xagal si aan caadi ahayn u janjeedha oo 98
°, dadka culuuntan ku taxalax tegeyna waxay ku macneeyaan in ay suurta gal
tahay waxa arintani ka dhalatay isku dhac ay isku dhaceen wakhti ilaahay
uun cilmigeeda leeyahay walax cireed kale, inkasta oo aanay jirin cadaymo
laysku halayn karo oo qeexaya aragtidaas.
Inkasta oo Uranus ka mid yahay meerayaasha naqaska ka samaysan haddana
waxa lagu macneeyaa in ubucdiisa hoose ama Bu'da Meerahani ka samaysan
tahay dhagax 17.000 km dhumucdiisu le'egtahay, heerkulkiisuna gaadhsiisan
yahay 7000 °C kana sii sarayso Biyo qaab haweed uumi baxay ah, oo ay ku
sii gadaaman yihiin Hydrogen iyo Helium qaradoodu le'egtahay 10.000 km,
halka Atomosfeerka sare ee Meeruhuna ka samaysan tahay Hydrogen, Helium,
Ammoniak iyo Methan. Midabka Uranus ee Cagaar-buluuga ah waxaa ugu wacan
Curiyaha Methan oo marka cadceeddu ku dhacdo bixiya midabkan.
Atomosfeerka sare ee Uranus wuxuu heerkulkiisu gaadhaa -210 °C, kaas oo
markuu Cadceedda ka sii fogaadaba qabowguna ku sii siyaado, maadaama
meerahani diirimaadku ku yar yahay ka fogaanshaha Qoraxda awgeed, ma jirto
dhaq-dhaqaaq xiiso badan leh oo laga dareemaa ,oo aan ka ahayn inay
dul-haadaan daruuro Caad u badan oo ka samaysan Methan cristal barafoobey
ah iyo dabaylo ka kaca meelo badan oo Meerahan dushiisa ah, xawaarahooduna
gaadho inta u dhexaysa 350 km/h ilaa 600 km/h kuwaas oo badankoodu ka
dhaca agagaarka Badhaalaha socdana badiyaa in kabdan lix bilood. Wixii
Atomosfeerkiisa ku hoos dahsoon rabi uun baa cilmigeeda iska leh, inkasta
oo xeeldheerayaasha culuunta xidigiska qaarkood ku andacoodaan inay ka
hoosayn karaan Baddo waaweyni, balse ma jirto wax caddayna oo ilaa hadda
loo helay fikradahaas.
Uranus waa Meeraha toddobaad ee tirsiisanka Meerayaasha marka laga soo
tiriyo dhinaca Qoraxda, haddii loo eego dhinaca fiisigiska waxaa lagala
mid dhigi karaa Meeraha Neptune oo wuxuu la baaxad yahay 14 jeer oo
dhulkeena ah, waxaanu soo gelayaa kaalinta afraad ee qiyaasta baaxadda
Meerayaasha, haddiise laga eego dhinaca dhex-roorka wuxuu wax yar uun ka
hor marayaa meeraha Neptune oo markaa Uranus u saamaxaysa inuu noqdo
Meeraha saddexaad ee tirada sida ay u kala weyn yihiin Meerayaashu, haddii
lays barbar dhigi lahaa meeraha Uranus iyo dhulkeenana waxaa kuu soo bixi
lahaa qaab sidan hoos ka muuqata ah.
Cidhifka waqooyi iyo cidhifka koonfureed ee Meeraha Uranus wuxuu mid
waliba sannadka Uranus badhkii yahay habeen, sannadka badhkiisa kalena
maalin, sannadka Uranus oo u dhigma 84 sannadood oo dhulkeena ah marka
laga shidaal qaadanayona waxay taa macnaheedu noqonaysaa in 42 sannadood
oo dhulkeena ahba hal cidhif oo Uranus ah ay u tahay maalin, halka 42-ka
sannadood ee kalena ay u tahay habeen. Cufka Meeraha Uranus iyo midabkiisa
cagaar u ekaha ah ayay aad u adagtahay in si wanaagsan wax looga arko
oogada sare ee Uranus.
Sawirkan waxaa ka muuqda Meeraha Uranus iyo dayixiisa Ariel oo hadhkiisu
ka dul muuqdo Uranus
Baaxadiisa kor uga kacsan qiyaasta 6,m0, waxaa suurta gal ah habeenada
cimiladu saafiga tahay cirkuna aanu daruuro iyo iftiin lagu indha
daraan-daro lahayn inaad indhahaaga ku aragto Meeraha Uranus, waxase taa
ka horaysa inaad marka hore taqaano jahada aad ka raadinayso ee uu cirka
kaga sugan yahay Meeraha Uranus, ama aad la kaashato Maababka lagu xardhay
goobaha kawnka inagu xeeran ay ka kala dhacaan Meerayaashu, haddii taa
laga tegi waayana waxaa jira dhaqan Soomaaliga dad aqoon qota dheer u leh
cilmiga xidigiska, kana saadaaliya maluugaha cirka oo wax laga korodhsan
karo kuuna sheegi kara hadba xiliga ay munaasabka tahay iyo meesha laga
waajahayo Meeraha aad raacdada ugu jirtaa.
Muuqaalka labada Meere ee Uranus (xaga sare) iyo Neptun (xaga hoose).
Sawirka waxa qaaday dayax gacmeedka Voyager2
Uranus sawirkan waxaa qaaday socdaalkiisii Voyager2 badhtamihii sanadkii
86-kii
Muuqaalka Uranus. Sawirkan waxa laga qaaday masaafo 1,7 bilyan oo km ah,
by Meineskies 2003 South Africa
Shanta dayax ee ugu waaweyn uguna caansan Meeraha Uranus waxa lakala
yidhaahdaa Miranda, Ariel, Umbriel, Titania iyo Oberon, waxase kaloo jira
Dayaxyo dheeraad ah oo uu Dayax-gacmeedkii Voyager2 daaha ka rogey
sannadkii 1986 markii uu gaadhey Meeraha Uranus, kuwaas oo iyagana loo
bixiyey magacyadan soo socda Cordelia, Ophelia, Bianca, Cressida,
Desdemona, Juliet, Portia, Rosalind, Belinda iyo Puck.
Muuqaalka Shanta Dayax ee ugu waaweyn dayaxyada Uranus. Ka bilow bidix
Miranda, Ariel, Umbriel, Titania iyo Oberon
Muuqaalka Uranus iyo laba ka mida dayaxyadiisa (Ariel, Umbiriel). Sawirka
waxa qaaday Ultra Violete Pictures NASSA
Waxay ahayd 1871 markii u horeysay ee uu Aqoonyahankii reer Jarmalka ahaa
ee William Herschel u aqoonsaday in Uranus yahay Meere, ilaa hadda waxaa
gaadhay hal dayax gacmeed kaas oo ahaa Voyager 2 sanadkii 1986, daahana ka
rogey markii u horaysey in Uranus leeyahay Daruuro iyo Ceeryaamo jiq ah oo
ka samaysan Methan. Wuxuu sidoo kale shaaca ka qaaday 10 Dayax oo dheeraad
ah oo aan ahayn kuwii hore loo yaqaaney ee shanta ahaa oo uu iyana
sawiradooda dhulka u soo diray. Voyager 2 wakhti sidaa u badan kuma aanu
lumin Meerahan Uranus, sabatoo ah waxaa sii qorshaysnaa in uu
socdaalkiisaas sidoo kale ku sahamiyo Meeraha Neptune oo Malyuunaad km oo
kale ka sii durugsan Uranus, taas oo aanu wakhtiga loogu tala galay inay
cimriga Beytariyadiisu sii shaqeeyaan aanu u wada saamaxayn inuu wakhti
intaa ka badan ku lumiyo sahamiska Uranus.
(eeg sawirka Voyagwer 2)
Ma jirin aqoon ka durugsan oo aan ahayn in Meeraha Uranus dhexroorkiisu
yahay 50,000 oo km, sodon jeerna ka sii durugsan yahay masaafada dhulkeenu
qoraxda u jiro, oo haddii si kale loo dhigo noqonaysa in hal loo qaybiyey
laba kun oo jeer wax ka yari gaadho Uranus iftiinka Qoraxda ee dhulkeenu
helaa.
27-kiisa Dayax waxaa gebi ahaanba ku dahaadhan amaba ay ka samaysan yihiin
Baraf, kooda ugu yar uguna xiga dhinaca Meeraha oo ah Miranda waxay
baaxadiisu le'egtahay 400km oo keliya, halka kooda ugu weyna lagu qiyaaso
1000 km, waxaanu muuqaal ahaan u egyahay sidiiyoo mar uu laba u kala jabay,
haddana dib loo ragcay oo kale.
27-ka Dayax ee Uranus waxaa intooda badan loogu magac daray Musalsaladii
Shakespeare (eeg sawirkan hoose)
Sawirkan waxaa qaaday Voyager2 sanadkii 1986dii oogada sare ee Dayaxa
(Ariel)
Inkasta oo labada cidhif ee Uranus ay helaan Cad-ceed ka badan ta
badhaalihiisa, haddana mar walba waxaa ka diirimaad badan sababo aan ilaa
maanta la garanayn badhaalaha iyo inta ku xeeran.
Jihada waqooyi ee Uranus goobooyinkiisa iyo dayax ka mida dayaxyadiisa.
w3perl pictures
Meeraha Uranus wuxuu sida Meeraha Venus u wareegaa si lidi ku ah ka
Qoraxda, taa macneheedu wuxuu noqonayaa Uranus wuxuu udub dhexaadkiisa ugu
wareega Saacad wareeg, halka uu Qoraxdana ugu wareego hab lid-saacad
wareeg ah, isagoo kaaga darane sidii wax bar-bar u jiifa cidhifkiisa
woqooyi iyo ka koonfureedna laba iyo afartankii sannadood ee dhulkeena
ahba midkood wajahsan yahay majiiraha uu ku socdo, arintaas oo ilaa maanta
walaac gelisa dadka cilmigan ku xeel dheer, muran weyna ka dhex dhalisa
aqoonyahanada sida loo kala saarayo labada cidhif midkee Woqooyi ah,
midkee baase Koonfur ah; arintan waxaa loo aaneeyaa in wakhti aad u fog ay
meerahan Uranus isku dheceen walax cireed kale oo sara jooga ka ridey (waase
mala awaal aan wax cad oo loo cuskado lahayn).(eeg sawirkan hoose).
Sawirkan hoose wuxuu muujinayaa sida Meerayaashu ugu wareegaan
Udub-dhexaadkooda iyo sida janjeedhka xaqlahooda iyo hadba dhinaca ay u
janjeedhaan. Haddaba inagoo ka shidaal qaadanayna aragtideenii odhanaysey
Meeraha Uranus wuxuu u janjeedhaa xagal sagaashan digrii ah, bal waxaad
isku daydaa inaad aragti ahaan dhinaca midig u toosiso Uranus dabcan xagal
sagaashan ah, waxaa markaaba kuu soo baxaysa inuu udub-dhexaadkiisa ugu
wareego saacad wareeg halka uu Qoraxdana kaga wareego sidaynu hore u soo
sheegnay lid-saacad wareeg
Sida caadiga ah Meerayaasha waaweyn oo dhami waxay leeyihiin goobooyin ku
wareegsan, Uranus laftiisuna wuxuu leeyahay 11 Goobo oo daciif ah markii u
horayseyna la ogaadey sagaal ka mida samnadkii 1977, labada kale waxaa
daah furay Dayaxgacmeedka Voyager2 24-kii January 1986, Goobooyinkani
waxay dhamaantood ka samaysan yihiin Baraf iyo Boodh loo malaynayo inay
yihiin hadhaagii dayaxyo ay burburiyeen Commetyo hirdiyey in ka badan
muddo haatan laga joogo 100 milyan oo sanadood. Goobooyinkan dhexroorkoodu
wuxuu dhan yahay inta u dhexaysa 40,000 ilaa 60,000 kun oo km.
Goobooyinkani waxay aad uga duwan yihiin sidii kuwii aynu ku soo aragnay
Saturn, waana qaar aad u dhuudhuuban oo baaxadooda lagu qiyaaso mitiro iyo
wax la jira, midabkooduna madow yahay marka laga reebo goobada ugu caansan
uguna muuqa dheer oo la yidhaahdo Epsilonring (eeg sawiradan hoosse)
Goobooyinka meeraha Uranus. Sawirkan waxaa qaaday Dayax gacmeedka Voyager
2 1986
Halkana waxaa ka muuqda goobooyinkii oo ay ugu sarayso goobada caanka ah
ee Epsilonring (sawirka bidix) iyo qaar ka mida Dayaxyada Uranus iyo
meelaha ay kaga wareegaan Meeraha (sawirka midig)
Uranus oo tiro ah
Masaafada Qoraxda1
2'870'972'000 km
Wareega Qoraxda
84.016846 Sano
Masaaf.ugu dhow ee dhulka
2'586'900'000 km
Gacanka badhaalihiisa
25'559 km
Culayskiisa
86.624·1024 kg
Cufkiisa
1270 kg/m3
Wareega udubdhexaadkiisa3
0.71833malmood
Miisaanka dushiisa4
0.86 g
Heerkulkiisa dhexe5
-200°C
Janjeedhkiisa
97.86°
Atomosfeerkiisa
H2, He, CH4
Tirada Dayaxyadiisa
27
Si aad u akhrisan karto Qaybihii kan ka horeeyey riix halka hoose.
Mercury:
http://www.somalilandpatriots.com/modules.php?name=News&file=article&sid=1753
Saturn:
http://www.somalilandpatriots.com/modules.php?name=News&file=article&sid=1581
Venus:
http://www.somalilandpatriots.com/modules.php?name=News&file=article&sid=1531
Mars: http://www.somalilandpatriots.com/modules.php?name=News&file=article&sid=1371
Jupiter:
http://www.somalilandpatriots.com/modules.php?name=News&file=article&sid=1311 Top
DALJIRE (Badheedhaheeda
ma sheegtay?) |
Qore: Cabdillaahi Geeljire, Toronto, Canada
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan
kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku
sitaa iyagaaba is doortay. Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba
saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana
loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay
diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay
daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay
diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo
duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay
doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay
qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Doolaal: Waar Jamaal yarow, halkan keen biyo, qolaadana haashtariyo u dhig.
Hablahana la soo dhakhsada dheh shaah oo falaashtii caanaha lahayd soo
raaciya ee bilaa sonkorta ahayd. Maansha Allaah, waakan cirkii roobku isa
soo qabsaday. Waar wixii Xuseen Cali Xirsi, Afhayeenka UDUB, sheegay eh
sidii Daahir Rayaale loo doortayba roobku inagama qaado. Maanta dhankaa
bari baabu ka soo curtay.
Dubbe: Wax Allah wax kale oo aydin ku ammaantaan oo uu qabtay markaad
garan weydeen ayaa cirka roobkiisa isku qaadeen. Waxan aad daruuraha
moodayna waa qiiqii Berbera ka baxay markii mudaharaadka laga dhigqay.
Wixii la gubayay miyaanad arkayn.
Doolaal: Oo maxaa laga mudaharaaday inagu ma gaalaynu nahay? Gaaladuun baa
mudaharaadaan maqli jiray. Mise sidiinii baa carruur iyo dumar soo
kiciseen? Wallee kursi jacaylkiinna inaydin arlada nagu gubi.
Dubbe: Ma annagu? Waar annagu kan anagaa idiinka lexejeclo badane. Ma
baydaan sii joogteen haddaanu wax kicinaynee. Waxa laga mudaaharadaaday
markii aydin iskaraabkii iyo birihii daxalaystay u soo jeesateen intaa
laba gaal na soo tusteen oo tidhaahdeen wershad cusub baanu idiin
keenaynaa. Car maalin dhow idinkoo lafihii xasuuqa iibinaya yaan laydin
arkin. Sun iyo boog liqa. Waar ma diir baa iyo daaniye. Mid qudhoo
naaxsanina kuma jiro. Daaniyaha ayuunbaa jowaan hadhuudha madhiya haddana
intii uun le’ege.
Wallaahi maanta haddaan gabayga aqaan waan ka gabyi lahaa arrintaa Berbera.
Yeelkadeedee aan Hadraawi canjilee intan ciilku iga keenay dhegayso.
Berberaay! Berberaay!
Berberaay dhe haddaan
Ilaahay ballankii
Ma nikaad boqratee
Berigii codka siisee
Weliba aad u yar boobtay
Ee abaal uu baxsho daaye
Dekeddii Burqanaysay
iyo Bucsharkaagii xidhay
Ee Boosaaso u geeyey
ayaa Baawarna sheegtay
oo birihii daxalaystiyo
Baaqigii yidhi keena?
Berberaay! Berbeaay!
Beerberaay dhe haddaanan
Xumihii ma boodday?
Basar mawga cadhootay?
ma la duushay Budhkii?
Ilaahay ballankiiye
Bafteeda, qacdeeda
Bugteeda higteed
Balawda malawda
Bugaanbugta feedhka
Ilkahaa badhku daatay
Biixiyaa jabaya
Xafiiskii Biyo Guure
iyo kii Badhasaabka
Bangigii cammirnaa
ee Booligu yiillay
Baguugaa ma ka yeeshay?
Beberraay! Berberaa!
Berberaay dhe haddaanan
Adigoo saf ballaadhan
sida Roobka bartiisa
isu soo kala baahshay
bartuu yoolku ahaa
weerar baaxadle weyn
ma ku soo bixiseen?
Miyaan qaylada buuqa
Bilayskii caraaray
intuu buunka afuufay
Birmadkoodu is qoorsan
Bixiyow i badbaadi
Miyaan lays barbar yaacin?
Ilaahay Ballankii
Badahaagiyo Boorka
Wixii dhoof ka baxayaa
Bilaash loo raran maayo
Badheedh mawgu dhawaaqday?
adigoon badh ka dhaafin
Waxaad beerka ku haysay
Bayaan mawgu caddaysay?
Doolaal:. Waar gabayna garan mayside buraanburka naga daa. Xafiisyadan
xukuumadda ee aydin burburiseenna xisaab baa ka dambaysa iyo xeer degdega.
Ma idinla tahay sidaasaa laydinkaga hadhi?
Dubbe: Wuxu yidhi Dallaayad. “Saw tuug alaab lagu hayaa kii habrada maaha?”
bal iminka idinkii dhuuman lahaa ee iskaraabka laydinku qabtay ayaa weliba
annagii sanka naga soo geleya. Waar doorkan “Ma Jidho” dii uu Cabdi Idris
odhan jirayna ma shaqaynayso. Illaa Guryihii Qaahira ayaa la hayaa
Doolaal: Guryahee? Waar wax jira maaha.
Dubbe: Dee kuwan sawirkoodu meel walba yaal ee la yidhi Ina Rayaalaa
iibsaday. Bal guryahana wuu ku leeyahay haddana ma jiraan buu ku leeyay.
Dafiraad uun baa ka soo hadhay. Marka dambe ayay ku weydiinayaan waxay
dafirayeen. Waar illayn belaayo...
Doolaal: Tollow goormay war-xume-tashiilnimada iska daynayaan. Waar
adeerow sidaad doonto u hayso oo haddaba na daa. Somalida run baa loo
sheegaa markaasay male u baydhaa.
Dubbe: Dee inaadeer maxaan sameeyaa? Hayla yaabine ninkani waa ninkii la
yidhi aafadii Burco ayuu guri weyn ka dhistay. (aadba uma weyna mar
sheedda layga tusay oo aan Boorame tegey eh) Waa kii Ina Cigaal (AHN) ku
yidhi “ducaqabe, siyaasadda guryaa loo iibiyaa guryo lagama iibsado” Ta
kale waatan wuxuun la sheegayo oo la leeyahay bad iyo berriba wuu
xaalufiyay. Adba waad ogtay.
Doolaal: Waar waxba ma ogine ha noo hoos gelin hadalka. Waar BBC-da naga
shid. Waa imisadii imika?. Miyaanay weli gaadhin?
Dubbe: Waar inaga daa taas oo kollay Maxkamdihii iyo Hawiye ayuun bay ka
hadlaysaa. Wax isu kay qaban waayay. Dalkeena la yidhi (World Bank) 1000
kii carruur ah ee dhashaba 132 baa dhinta. 1000-kii 5 jir ka yarna 224 baa
dhinta. 10kii kun ee dumar ee umulana 1600 baa isku go’a. 100 kun (GAVO)
oo qof oo waalan baa guryaha ku xidhan. Intaas oo dhan daryeel caafimaad
la’aantii bay waxaasi u gaadheen. Mashaakilka kale, bukaan socodka,
qaaxada, naafada, nafaqo darraanta. Iyaga illow. Iyo waxan kolba la
leeyahay daaro ayaa meel laga iibsaday iyo ilkahaa Jarmal lagu soo
samaystay. “Isbeedhadhow (inspector) hadal waad deysaa” wallee waa yaab.
(toddobaadka dambe haddii Eebe idmo) Top
Sarkaalkii heeganka ayaaba laga shakiyey,
isaguna wuxuu uu sheegi kari waayey sidii uu Faarax u khiyaameeyey, balse
Faarax ururkii waa laga wareejiyey oo waxa loo wareejiyay dhanka
isgaadhsiinta raadiyaha qaybta dhegeysiga wararka cadawga.
Qiyaastii ilaa toddobaad markuu isgaadhsiintii ku dhex jiray ee uu la
qabsaday rakaaladii iyo sida wax loogu dhegaysto ayuu wuxuu xog ku helay
taarar iyo warar ay dhawr dawlo isdhaafsanayeen, waxaa ka mid ahaa
xidhiidhada uu helay, xidhiidhkii ka dhaxeeyey saraakiishii Soomaaliya iyo
saraakiil Masaari ah oo iyagu ahaa kuwa dagaalkaba hogaaminayey iyo taarar
kale oo dhanka Djibouti laga dhuuqayay.
Dable Faarax taar si tuuga ah uu hawada uga ugaadhsaday ayaa wuxuu ka
yimid Madaxweynihii Masar wuxuuna ku socdaa madaxwayne Maxamed Siyaad
Barre, taarkaa oo af carbeed ku qornaa wuxuu u dhignaa sidan: “Aniga oo ku
rayraynaya guusha balaadhan ee aynu ka soo hoynay dagaalka aynu ku qaadnay
taliskii xumaayee ka horjeeday siyaasadda iyo jiritaanka jaamacada carbeed,
nolosha dadka iyo diinta muslinka isla markaana xooga iyo xaq darada ku
haystay dhulkeena carbeed ee Soomaali galbeed, si aynu guusha u rumayno
waxaad iska ilaalisaa saraakiisha K.G.B-da oo damacsan inay xidhiidh la
samayso dagaal wadayaasha jiidda hore ku jira iyo kuwa Xamar joogaba.
Waxaa kaloo aan kuu sheegayaa magalada Herer markay gacantiina soo gasho
maamulkeeda anigaa soo magacabaya ee wixii taariikh iyo kutub aad ku
aragtaan maktabada Masaarida ku wareeji, waa hanti Carbeede , rasaasta
madaafiicda ee aan kuu soo rarayna ilaa Asmara way ku soo gaadhsiin kartaa.
Guushu ha isgaadho, gacanta Carabtu ha sarayso, xabashiduna ha madhato,
Soomaalidu ha horayso. Walaalkay Maxamed Siyaad ha guulaysto.”
Taarkaas oo uu la socdo amar Xamar laga soo raaciyey, tabeelaha baaqyada
isgaadhsiinta iyo magacyada lambarada saraakiisha gaashaandhigga.
Sidaa awgeed. Faarax waxaa dhawr goor ku soo dhacay taarar habaw ah oo
hay’addii K.G.B. la odhan jiray khadka isgaadhsiinta dhex-gal ku samaysay.
Faarax waxaa gacantiisii soo galay taar lambar ah oo uu soo diray
madaxwaynihii Djibouti Xasan Guuleed Abtidoon, wuxuu u diray Siyaad Barre
oo uu talo waayeel ugu jeedinayo, una qornaa sidan: “Madaxweyne Maxamed
walaalkayow anigoo ku salaamaya kuguna hambalyaynayaa guusha aad dagaalka
ka gaadhay, waxaan kaa codsan lahaa inaad talo iga qaadato dhammaan
dhulkii Soomaaliyeed waad xoraysay oo gacantaaduu ku jiraa, markaa waxaan
ku odhan lahaa ciidanka halkaa ku jooji oo difaac ciidanka galisaa.
Haddii aad dhulkaa Soomaaliyeed ku ekaatiin ciddina idiinku iman mayso oo
waa la idiin ogol yahay, haddiise aad dhaafisaan xoogag kale ayaa dagaalka
soo gali doona.”
La soco………… Top
Xisbiga UCID
Oo Wasiirka Warfaafinta Ku Eedeeyay
Inuu Ku Kacay Falal ka Dhan Ah Xuquuqal-Insaanka |
Hargeysa, November 19, 2006 (Haatuf) –
Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa ku eedeeyay Wasiirka Warfaafinta Axmed
Xaaji Daahir inuu ku tuntay xuquuqdii shaqaalaha muwaadiniinta ah ee ka
hawl-gala Idaacadda Radio Hargeysa, kadib markii uu wasiirku si sharciga
baalmarsan oo ka dhan xuquuqal insaanka uu shaqada uga eryay shaqaale aan
wax dambi ah galabsan.
Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha
Xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa, Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan
Cabdiraxmaan, isagoo golaha wakiiladana ugu baaqay inay wasiirka
Warfaafinta sharciga hor keenaan, isla markaana in shaqaalaha xuquuqdoodii
lagu tuntay dib loogu soo celiyo.
War-saxaafadeedka gudoomiyaha gobolka ee Xisbiga UCID, waxa uu isagoo
dhammaystiran u qornaa sidan:
Xuquuqda shaqaalaha in la dhawraa waa mid aasaasiya, una baahan in la
dhawro, il dheerna loo yeesho haday tahay daryeelkooda, tixgelinta
hawl-gudashadooda maadaama ay yihiin tiir-dhexaadka bulshada reer
Somaliland. Iyada oo marka horeba muuqato dhaliilo badan oo shaqaalaha
dawladda u gaar ah, duruufo adagna ku xeeran yihiin dhamaan shaqaalaha
dawladda, haddaynu soo qaadano mushaharka ay ku shaqeeyaan ee ku
talo-galka xukuumadan inoo dhisan waa mid ka fog odoroska soo go’ay maskax
saliim ah oo fayow, mana aha mid daboolaysa baahida qof shaqaale ah oo ka
xidhan danihii kale ee qofku u foof-tegayay, sidaas awgeed waxaynu odhan
karnaa shaqaaluhu way ku dulman yihiin xukuumadda maanta, manay damaanad
qaadin noloshii aasaasiga ahayd ee shaqaalaha, waana mid cawaaqib xumo
weyn ku keenaysa xukuumadda hadaan la dhawrin xuquuqdooda.
Haddaba, iyada oo ay jiraan gol-daloolooyinkaa aynu xusnay waxa intaa u
dheer shaqaalaha tacadi joogto ah, kana mid yahay falkan naxariista ka fog
ee uu ku talaabsaday wasiirka Warfaafintu, hadday tahay qadiyadda
diiniyanka noqotay ee uu hablaha cawrada ah kaga fadhiisiyey shaqada
xijaabka iyo hadday tahay eriga sharci darada ah ee aan soo marin hay’adda
shaqaalaha dawladda ee aan lahayn sida qoraalka wasiirku ku eryey
shaqaalaha sodomeeyaha ah oo aan haba yaraatee ka muuqan wax eedayn ah oo
ay galabsadeen ama uu u cuskaday eriga xaq-darada ah.
Marka runta loo dhabo-galo qaarkood sababta erigoodu waxay lidi ku tahay
xoriyatul-qawlka iyo xeerka saxaafadda Somaliland, tusaale ahaan labada
wariye ee kala ah Khadar Maxamed Cakule iyo Sakariye Cabdi Sulub oo
erigoodu ku qotomo su’aalo adag baad weydiiseen madaxweyne Rayaale,
tahayna xaqiiqo ku salaysan runta biyo-kama-dhibcaanka ah. Waxaanu si adag
u cambaaraynaynaa falkan ka baxsan xuquuqal insaanka ee wasiirku kula
kacay shaqaalaha muwaadiniinta ah, anaga oo ka xun sida loola dhaqmay,
iyaga oo marka horeba aan haysan daryeel iyo mushahar ku filan qoysaskooda.
Sidaas awgeed, waxaanu golaha wakiilada u soo jeedinaynaa:
- In wasiirka Warfaafinta lagu qaado talaabo sharci ah, maadaama uu ku
tuntay xuquuqdii shaqaalaha iyo xeerkii saxaafadda
- In xukuumadda lagula xisaabtamo waxay galabsadeen shaqaalahan muddada
dheer u soo shaqaynayay dalka.
- In loo soo celiyo shaqaalahan karaamadoodii shaqo oo aan haba yaraatee
wax dambi ah lagu soo oogin”.
“Xaaladda
Berbera Ka Taagan Xukuumada Ayaa
Eedeeda Leh, Anagu Nabadgelyada Ayaanu Ka
Shaqaynaa Golahayagana Mooshin Baanu Soo Hordhigaynaa”
Xildh. Xasan Axmed Faarax – Golaha Guurtida |
Hargeysa, November 19, 2006 (Haatuf) –
Xildhibaan Xasan Axmed Faarax oo ka tirsan mudanayaasha guurtida kaga jira
gobolka Saaxil ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyey inay ka gaabisay
hanashada amniga gobolka Saaxil, si weyna u dayacyaday xilkii gobolkaasi
ka saarnaa, isla markaana xusay in dhacdadan Berberi aanay ahayn mid cusub
oo ay golayaashu arintan uga qaylinayeen.
Xildhibaanku wuxu sidaas ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay
xarunta golaha guurtida, kaas oo uu kaga hadlay mudaharaadkii Khamiistii
ka dhacay magaalada Berbera, kuna soo jeediyey in golaha guurtidu arintaas
u xilsaaro guddi soo baadha.
Xildh. Xasan Axmed, waxa uu hadalkisii ku bilaabay “Arrintan Berbera ka
dhacday maaha mid cusub ee waa mid beryahanba isa soo taraysay, in badanna
waanu ka hadalnay hadaanu golayaasha qaranka nahay. Hase yeeshee waxaan
odhan lahaa Berbera waxan ku jira golahan guurtidu ha dhuuxeen oo ha
lafo-jabiyeen, isla markaana guddi soo baadha ha loo diro, arimahanina
muddo dheer ayay soo huursanaayeen. Dhinaca maamulka inay wax ka jiraan
ayaan u malaynayaa, waayo bulshada reer Berbera dhaqankan tuugada iyo wax
gubista ah laguma aqoon, dad nabadeed ayaanay ahaayeen. Xukuumada waxaan
ku canaananayaa inay magaalada sidan u dhaanto, amnigana sugto, indho
dheeraadana u yeelato, waayo xukuumadu waa fulintii iyadanaa maamulka
dalka u xilsaaran, anagu gole ahaan nabadgelyada ayaanu u xilsaarannahay,
iyadaa meesha xukunta, mana aha in kolba laga soo qayliyo ee waa inay
xilkeeda iyo waajibkeeda garataa”.
Intaa ka dib su’aalihii halkaa lagu weydiiyey iyo jawaabahoodiiba waxay u
dhaceen sidan:
S: Xukuumada in badan ayaad xaaladaha Berbera ka taagnaa ku dhalasheen in
ay ka gaabisay, markaa hadalkaagani muxuu ka bedelayaa dhaliilihii aad
hore ugu jeediseen?
J: Waxay imika ka bedelaysaa haday golayaasha qaranka tahay iyo hadii
kaleba in guddi soo baadha oo lafo-gurta gobolka Saaxil loo diro oo aan
sidan lagu eegan, hadana waxa qoran mooshin ku saabsan xaalada Berbera ka
taagan sidii wax looga qaban lahaa, dhowaana mooshinkaas golaha ayaanu soo
hordhigaynaa.
S: Maxaad u malaynaysaa xaaladaha Berbera ka dhacaya ee maalin walba isa
soo taraya?
J: Berbera wax allaale wax ku jiraa ma jiree, hunguri baa ku jira, balse
anagu wax ku jiraba mooshin baanu soo hordhigaynaa golahayaga. Top
John Abizaid
Oo Ku Baaqay In Loo Diyaar Garoobo
Dagaalkii Saddexaad Ee Dunida Haddii Aan Laga
HorTagin Waxa Uu Ugu Yeedhay ( Muslimiinta Mayalka Adag) |
Washington, November 19, 2006 (W. Wararka) –
Janaraalka ugu sareeya ciidamada Maraykanka ee ku sugan Bariga dhexe Gen
John Abizaid ayaa sheegay inay dhici karto inay u horseedo dunida
dagaalkii saddexaad haddii aan la helin wado kale oo lagu joojiyo waxa uu
ku magacaabay muslimiinta mayalka adag.
Abizaid waxa uu tilmaamay in ay jiraan calaamado badan muujinaya qaraxa
dagaal caalami ah oo noqon kara kii seddexaad ee dunida, astaamahaas oo ay
ka mid yihiin ayuu yidhi soo bixida quwado cusub oo muslimiin mayal adag
ah iyo sidoo kale waxa uu ugu yeedhay “nidaamyo faashiyiin ah” oo Yurub ka
jira sidoo kale waxa uu sheegay in ay jirto awooda Al-qaacida oo sii
siyaadaysa.
Janaraalku mar uu ka hadlayay Jaamacad ku taala dalka Maraykanka waxa uu
yidhi “Hadaanaan helin dariiq aanu ku waajahno xag-jirnimada jirta maanta
waxaanu gali doonaa dagaalkii seddexaad ee dunida.”
Isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu sheegay Jeneralku in haddii ay
dhamaystiri waayaan joojinta xag-jirnimada muslimiinta ay heli doonaan
goobo amaan ah oo ay ku dhuuman karaan iyo in ay gacanta ku dhigi doonaan
hubka wax gumaada sidoo kale xoojin doonaan goobo qabaa’il ka taliyaan oo
ay uga faa’iidaystaan fulinta hawlahooda, waxa uu sheegay in uu isagu
rumaysan yahay in khatarta ka soo fooleh arrintani ay ka weyn tahay sida
ay iyagu u arkaan.
Abizaid waxa uu intaa ku daray “caalamku waxa uu wajahayaa saddex qodob oo
waaweyn oo ay ta ugu soo horaysaa tahay in bariga dhexe lagu baahiyo
daganaanshaha, taas oo ah in la khafiifiyo qalalaasaha ka jira gobolkaas
oo ay ugu weyn tahay mushkiladda u dhaxaysa carabta iyo Isra’el iyo
qodobka saddexaad oo uu ku sheegay in la joojiyo fidista kooxaha mayalka
adayg iyo in lala macaamilo Iran oo ay Washington ku eedayso in ay dadaal
ugu jirto sidii ay u horumarin lahayd hubkeeda nuclear-ka ah. Top
Mid Ka Mid Ah
Halgamayaashii SODAF Iyo SNM
Oo Ku Geeriyooday Sweden |
Hargeysa, November 19, 2006 (Haatuf) – Waxaa
khamiistii 16/11/2006 dalka Sweden ku geeriyooday Alle ha u naxariistee
Marxuum Ismaaciil X. Daa’uud Cigaal, oo ka mid ah Halyeeyadii ugu horeeyay
ee biyo-diida xukunkii milateri ee sannadkii1969kii afgambiga ku qabsaday
dalkii la isku odhan jiray Somalia, isla markaana ka mid ahaa
hogaamiyeyaashii ugu horeeyay ee halganka hubaysan kaga horyimid rajiimkii
Siyaad Barre.
Alla ha u naxariistee Marxuum Ismaaciil X. Daa’uud wuxuu ka mid ahaa
raggii hormoodka ka ahaa halgankii hubaysnaa ee ururka SNM dib ugu soo
celiyay xornimadii Somaliland.
Alle haw naxariistii Ismaaciil X. Daa’uud Cigaal oo ku geeriyooday dalka
Sweden khamiistii toddobaadkii hore, waxa uu lahaa taariikh dheer oo ah
dhinaca halgankii qadhaadhaa ee lagula dagaalamay diktaytarkii Siyaad
Barre ee xukunkii dalkii la isku odhan jirey Somaliya xooga milateri ku
boobay 21-kii October 1969-kii iyo halgankii SNM hormoodka ka ahayd ee
dalka Somaliland dib loogu xoreeyey.
Marxuum Ismaaciil Daa’uud Cigaal wuxuu sannadkii 1947-kii ku dhashay
magaalada Burco, isagaoo waxbarashadiisii Hoose/dhexe ku qaatay magaalada
Berbera, halka dugsiga sare uu ku dhamaystay magaalada Sheekh.
Marxuum Ismaaciil X. Daa’uud markaa ka dib wuxuu u jeestay dhinaca
ganacsiga, isaga oo mar ka mid noqday guddiga sare ee Rugtii Ganacsiga ee
dalkii Somaliya la isku odhan jiray sanadihii lixdameedyadii.
1969-kii markii dawladii rayidka ahayd la afgemiyey, Marxuum Ismaaciil
waxa lagu xidhay Muqdisho, inkastoo mar dambe la sii daayey.
Marxuum Ismaaciil Daa’uud Cigaal waxa lagu tilmaami karaa xubnihii ugu
horeeyey ee ku dhaqaaqay inay halgan hubeysan kala hortagaan digdaytarkii
Siyaad Barre oo ku dhiiraday inay u tallaabaan dalka Itoobiya 1971-kii si
ay halgankoodaasi ugaga helaan taageero milateri. Waxaanu ka mid ahaa
hogaamiyeyaashii ururkii la odhan jiray SODAF, oo ka mid ahaa ururadii ugu
horeeyay ee halganka hubaysan la galay taliskii Siyaad Barre. Ragga kale
ee ku weheliyey halgankaas wakhtiyadii bilowgii todobaatanadii waxa ka mid
ahaa alle haw naxariistee Cali Togdheer, C/raxmaan Caddaani iyo Mustafe
Xaaji Nuur.
Sida ku cad dhokumenti warbixin ah oo ay samaysay Hay’adii Nabad-sugada
Taliskii Siyaad Barre, sannadkii 1979, waxay ku tilmaameen Mujaahidkaas
inuu ka mid yahay ragga ka soo horjeeda dawladdii Siyaad Barre, kuwaas
shir ay kaga soo horjeedaan nidaamka milateri ee afgambiga ku qabsaday
Somalia ku qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.
Marxuum Ismaaciil Daa’uud Cigaal oo ganacsina ku lahaa dalka Itoobiya ayaa
wuxuu u noqday markii dambe ee bilowgii SNM nin ay ku soo hirtaan
saraakiishii iyo halgamayaashii SNM ee sannadihii sideetameeyadii ku
biirey xeryihii SNM ee gudaha dalka Itoobiya, isagoo maal wuxuu haystay u
hurey halganka dib u xoreynta Somaliland.
Marxuum Ismaaciil intii uu ku sugnaa dalka Itoobiya ee uu ku jirey
halganka dhawr jeer ayuu taliskii Siyaad Barre isku dayay inuu ku
khaarajiyo gudaha Itoobiya oo u ugu diray camiillo, taas oo mar dhaawacyo
ka soo gaadheen.
Marxuum Ismaaciil oo ku noolaa sanadihii ugu dambeeyey dalka Sweden wuxu
ifka kaga tegay lix ubad ah, afar gabdhood, laba wiil iyo hooyadood. Top
120 Dumar
Muslimiin Ah Oo Shir Uga Furmay
Magaalada New York |
New York, November 19, 2006 (W. Wararka) –
Shir ay ka soo qayb galeen in ka badan 120 dumar ah oo muslimiin ah oo
isugu jira siyaasiyiin, hogaamiyayaal ganacsi, aqoonyahanno iyo xubno
dhaqanka ah ayaa waxa lagu qabtay magaalada New York ee dalka Maraykanka,
kaas oo uu soo qaban qaabiyay ururka haweenka Muslimka ee Maraykanka ee
magaciisa la yidhaahdo “American Society for Muslim Advancement”.
Dumarka soo abaabulay shirkan oo ay ka mid ahaayeen, Baroness Uddin oo ah
gabadhii ugu horaysay ee muslim ahayd ee ka mid noqota aqalka odayaasha
Ingiriiska (House of Lords), Ingrid Mattson gabadhii ugu horaysya ee
gudoomiye u noqota bulshada muslimka ah ee ku dhaqan waqooyiga Maraykanka
iyo Dr Massound Jalal oo ah dhakhtar xagga caruurta ah iyo siyaasiyad u
dhalatay dalka Afgaanistaan, ayaa waxa ay ku raja weyn yihiin in ay
shirkan uga faa’iidaystaan in la dhiso gole islaami ah oo wada tashi oo
kulmin doona dhamaan haweenka muslimiinta ah ee ku dhaqan dunida.
U jeedooyinka shirkan ayaa waxa ka mid ah in la taageero helidda xafiis
ilaaliya xuquuqda dumarka tiiyoo la raacayo nidaamka shareecadda Islaamka.
Isku soo duba ridayaashu waxay leeyihiin golaha wada tashigu waxa uu sida
caadiga ah soo bandhigi doonaa talooyin ku wajahan siyaasiyiinta iyo
hogaamiyayaasha diimaha, kuwaas oo ku saabsan arrimaha ka taagan caalamka
oo saamayn ku leh haweenka aduunka.
Waxa kale oo ay sheegeen dumarka shirkan soo qaban qaabiyay in ay xuquuqda
dumarku marar badan gasho doodo. “Xuquuqda dumarka badanaa waxa lagaga
doodaa warbaahinta ama waxa doodahooda la soo hordhigaa aqoon-yahannada
aan dumarka ahayn”. Sidaa waxa tidhi Dayisy Khan oo ka mid ah ururka
American Society for Muslim Advancement, iyadoo sidoo kale ku dooday in la
helayo dumar falanqeeya arrimaha dumarka halka badanaa ay ka hadlaan oo
kaliya aqoon yahanno rag ahi. Top
|