Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1269 Nov.24, 2006

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Baarlamaankiisa U
Sheegay In Dawladiisu U Diyaar Garawday Dagaal Ay La Gasho Kooxaha Maxkamadaha Muqdisho

Maxay Ku Kala Gedisan Yihiin Hab-Dhaqanka
Maamul Ee Madaxweyne Rayaale Iyo Marxuum Cigaal?
Faqidaad – M/Rashiid M. Faarax

Dawladda Djibouti Oo Dib U Soo Celisay Xildhibaano Reer
Somaliland Ah Oo U Safray Ka Qayb-galka
Tacsidii Marxuum Xasan Guuleed

Laba Kaclaynta Fadeexada Iskaraabka Iyo Doorka Labada Masuul Ee Dalka Ugu Sareeyaa Ku Lahaayeen
Mudaharaadkii Berbera Ee 16-Ka November

“Ma Jiro Qof Adduunka Iga Nasiib Xun, Waayo
Waxaan Sii Arkaayay Hooyaday Iyo Walaashay
Oo Mid Waliba Leedahay I Badbaadiyaay, Oo
Aan Waxba U Qaban Kari Waayay”

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Oo Sheegay Inay Maxamed Xaashi Cilmi Ku Wada Jireen Guddi Wasiiro Ah Oo Sannadkii 2003 Fasaxday Iibka Iskaraabka Markii Dan Guud Loogu Baahday

ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Waa Maxay Red Mercury?
Maxaase Ka Jira Sheekada Ku Xeeran?

Madaxweyne Ku-Xigeenku Xaal Ha Siiyo
Qurba-Joogga Reer Somaliland

Guddida UDUB Shirweynaa Lagu Doortaa Ee Wasiir Ma Soo Magacaabo

Somaliland In Meel Dheer Laga Eegi,
Weli Ma Cid Baan Garan?


Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Oo Baarlamaankiisa U
Sheegay In Dawladiisu U Diyaar Garawday Dagaal
Ay La Gasho Kooxaha Maxkamadaha Muqdisho

Addis Ababa, November 24, 2006 (Haatuf) - Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa shaaca ka qaaday in dawladiisu u diyaar garawday dagaal ay la gasho maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Zenawi waxa uu sidaa u sheegay baarlamaanka federaalka ee dalkiisa mar uu shalay warbixin siinayey, isaga oo intaasi ku daray. “Waxa aanu soo gebagabaynay dhaq-dhaqaaqyo diyaar garaw dagaal ah oo aanu kaga hortagayno maxkamadaha Islaamiga ah, kuwaasi oo hore ugu dhawaaqay dagaal jihaad ah oo ay la gelayaan ciidamada Itoobiya”.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa kale oo uu baarlamaanka dalkiisa u sheegay in maxkamaduhu khatar ku yihiin dalkiisa.

Meles oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Kooxdani [Maxkamaduhu] waxa ay khatar cadaan ah ku yihiin Itoobiya, si looga hortago khatartaana siyaasada dawladdu (Itoobiya) waxa weeye in marka hore la isku dayo in wada hadal lagu xaliyo, balse haddii wada hadaladaasi lagu guul-daraysto waxa aanu diyaarinay talaabadii aanu qaadi lahayn, anaga oo sida ay caadiga u tahay, dal kasta oo khatartan oo kale soo waajahdaa talaabada uu xaqa u leeyahay inuu isku difaaco ayaanu anaguna [Itoobiya] samaynay diyaar garawgii loo baahnaa, si looga hortago khatartaasi”.

Maxkamadaha ayaa horaantii todobaadkan iyaguna sheegay in maleeshiyo iyaga taageertaa ay meel u dhaw magaalada Baydhabo ee xarunta u ah dawladda Imbagathi ku gubtay gaadhi tikniko oo ay lahaayeen ciidamada Itoobiya, laba askarina kaga dileen, inkasta oo ay markii dambe Itoobiya dafirtay arrintaasi.

Hase yeeshee sida ay wararku sheegeen ciidamada Itoobiya beryahanba waxa ay joogeen meelo ka mid ah gudaha Somalia, gaar ahaana xarunta dawladda Imbagathi ee Baydhabo, iyada oo dawladda Itoobiya hore u qiratay inay ciidamadeedu halkaasi joogaan si ay dawladda Imbagathi ee taagta daran uga caawiyaan dhinaca tababarka.

Dhinaca kale, dawladda Maraykanka ayaa markii u horeysay taageertay ciidamo nabad ilaalineed oo loo diro dalka Somalia, waxaana sidaa shaaca ka qaaday ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha debada ee Maraykanka Mr. Tom Casey oo saxaafada u waramayey.

Tom Casey waxa uu sheegay in arrinta ciidamo nabad ilaalineed oo loo diro Somalia u markii ugu horeysay soo jeediyey urur goboleedka IGAD, kaasi oo soo sababeeyey in ciidamada nabad ilaalintu ilaalin doonaan hay’addaha dawladda ku meel gaadhka ah, isla markaana tababaro siin doonaan ciidamada dawladda Imbagathi ee xarunteedu tahay Baydhabo.

Waxaanu Mr. Tom Casey intaasi raaciyey in soo jeedinta qorshahani ay IGAD u gudbisay Midawga Afrika oo ogolaaday 13-kii Sept, 2006, isna ogolaaday, ka dibna loo soo gudbiyey golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, halkaasi oo lagaga doodi doono.

Waxa kale oo uu sheegay Mr. Tom in dawladiisu marka ay la tashato saaxiibadeed, isla markaana laga doodo ay taageeri doonto ciidamo loo diro Somalia, si loo ilaaliyo hay’adaha federaalka ku meel gaadhka ah, loo tababaro ciidamo nabada ilaaliya.

Top


Maxay Ku Kala Gedisan Yihiin Hab-Dhaqanka
Maamul Ee Madaxweyne Rayaale Iyo Marxuum Cigaal?
Faqidaad – M/Rashiid M. Faarax

Qormadan cusub oo taxane inoo noqon doonta, waxaynu ku faaqidi-doonaa waxyaabaha laga dhaxlay labadii hogaamiye ee kursiga dalka u sareeya iyo xisbiga UDUB-ba u kala dambeeyey, kuwaas oo kala hMadaxweynihii hore ee geeriyaaday alle haw naxariistee Marxuum Cigaal iyo madaxweynaha hada talada haya ee Mr Daahir, kuwaas oo aynu ku eegi doono mudadii ay maamulka dalka hayeen iyo waxa uu qabtay iyo waxa uu ku guuldaraystay ee lagu xusuusan karo taariikh ahaan, taas oo ka soo bilaabmaysa ilaa 1993-kii oo ahayd xiligii Marxuum Cigaal magaalada Boorama lagu soo doortay iyo 2006 Daahir Rayaale talada dalka hayo.

Haddaba, faaqidaadan oo aanay ku jirin taariikh nololeedkoodii, shakhsiyadood gaar ahaaneed, balse ka koobnaan doonta uun mudadii koobnayd ee ay talada dalka u kala dambeeyeen iyo hogaaminta xisbiga UDUB, waxa aan kaga eegi doonaa dhinacyada maamulka iyo hogaaminta.

Labadan madaxweyne ee Marxuum Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale ayaa hogaaminta dalka min sagaal sannadood gacanta ku hayay, inkasta madaxweyne Rayaale 9-kaa sannadood ee uu maamulka ku soo jirey uu kala badh mudadaas madaxweyne ahaa, inta kalena uu ahaa madaxweyne ku xigeen.

Hordhaca:
Madaxweynihii geeriyooday alle haw naxariistee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa waxa lagu soo doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama sannadkii 1993, kaas oo uu jagada Madaxweyne-nimada kala wareegay madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland Marxuum C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) oo isagu muddo laba sannadood ah xilka hayay. Dawladaas Marxuum Cigaal waxay wakhtigaas ku dhaqmaysay Axdi Qarameedkii beelaha Somaliland, kaas oo mudada xilka madaxweynimaduna ahayd laba sannadood, ka dib dagaalo sokeeyo oo ka dhacay dalka awaadeed ayaa madaxweyne Cigaal mar kale golihii baarlamaanka ee lagu soo dhisay shirkii Boorame ay muddo laba sannadood oo kale ah ugu kordhiyeen sanadkii 1995-kii. Waxa kale oo Madaxweyne Cigaal shirweynihii 3-aad ee beelaha Somaliland, ee lagu qabtay magaalada Hargeysa 1997-kii dib loogu doortay muddo shan sanadood oo kale ah inuu sii hayo xilka, isla markaana xukuumadaasi lagu bedelo mid doorasho toos ku timaad ah oo axsaab tiro badani ku loolamaan. Shirweynahaas 1997-kii ayaa waxay ahayd halkii Madaxweyne Rayaale uu ka soo fuulay salaanka siyaasada dalka Somaliland, isaga oo wakhtigaa wixii ka horeeyey aan saamayn ku lahayn siyaasada dalka Somaliland.

Madaxweyne Cigaal muddadii uu dalka hogaaminayay waxyaabaha uu qabtay ee la tilmaami karo, ayaa waxa ka mid ah samaynta lacag dalka Somaliland u gaar ah, isla markaana waxa maamulkiisa u suurto gashay in ay seeska u dhigaan maamulka dawladnimada ee Somaliland maanta haysato iyo fidinta maamulkaas, hub-ka-dhigistii beelaha, samaynta dastuurka Somaliland ee hadda dalka lagu dhaqo, samaynta xeerarkii doorashooyinka xisbiyada badan iyo aasaaska xisbiga UDUB oo ahaa xisbigii ugu horeeyay ee dalka laga aasaaso, isla markaana uu ka noqday gudoomiyihii u horeeyey ee xisbigan Marxuum Cigaal. Waxa kale oo uu sameeyey xeerarkii golayaasha degaanka lagu soo dooranayay.

Inkasta oo mudadaas uu talada dalka hayay ay dalka ka dhaceen dagaalo sokeeyo, haddana wuxuu ku guulaystay inuu dib nabad u dhaliyo, xasiloonina ku soo dabaalo dalka. Alle haw naxariistee Madaxweyne Cigaal ayaa wuxuu geeriyooday isaga oo u diyaar ah inuu doorasho galo bishii May 2002, waxaana kursigii Madaxweynenimada dhaxlay madaxweynaha hadda talada haya Daahir Rayaale, waxaanay ahayd muddadii xukuumadaas uu la wareegay Hal sano, taas oo ay golayaashu ugu kordhiyeen hal sanno oo kale.

Madaxweyne Rayaale wuxuu ku guulaystay inuu dalka ka qabto doorashadii ugu horeysay ee ay xisbiyo ku tartamayeen golayaasha degaanka, taas oo dalka laga qabtay 15 December 2002, ka dibna waxa uu suurto-geliyey inuu qabto doorashadii madaxweynenimada, oo uu ku guulaystay iyadana. Waxa kale oo uu qabtay doorashadii golaha wakiilada ee iyaduna dhacday September 2005, saddexdaa doorasho ayaa waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu amaano madaxweyne Rayaale. Waxaase madaxweyne Rayaale ay dad badani ku dhaliilaan in uu gobolada bariga ee Somaliland gacanta u geliyey maamul-goboleedka Puntland, ka dib markii uu safar ku tegay magaalada Laas-caanood ay ciidamada weerar ku soo qaadeen, isla markaana uu maamulkii Somaliland ee halkaas joogay dib uga soo qaaday, ka dibna xuduudii dalka uu ka dhacay Caynabo.

Waxa kale oo uu madaxweyne Rayaale ku guul-daraystay inuu qabto doorashadii golaha guurtida, taas oo mudadeediina la soo dhaafay Bil iyo dheeraad, isla markaana uu si aan sharciga waafaqsanayn ugu kordhiyey golaha guurtida muddo shan sannadood oo kale ah, taas oo dhalisay khilaafkii ugu weynaa ee soo kala dhexgala golaha wakiilada iyo xukuumada, oo ilaa imika turxaan-bixinteedii la wado.

Haddaba, hadaynu u gundo degno ujeedada faaqidaadeenan oo aynu ku eegayno farqiga u dhexeeya labada shakhsi, gaar ahaan hab-dhaqameedkoodii dhinacyada kala ah:
1. Saxaafadda
2. Kobcinta dhaqaalaha dalka iyo gelida musuqmaasuqyada
3. Hogaaminta Siyaasada dalka ee gudaha iyo dibadaba
4. Ku dhaqanka xigtaysinka ee dhinaca maamulka
5. Waxyaabaha mid walba lagu xasuusan karo.

Haddaynu eegno qodobka u horeeya ee Saxaafada, ugu horeyn Marxuum Maxamed X. Ibraaahim Cigaal mudada uu talada dalka Somaliland hayay, wuxuu ahaa shakhsi aqoon u leh saxaafada waxtarkeeda, isaga oo bulshada u marin jirey waxyaabaha uu doonayo inuu gaadhsiiyo iyo isaga oo kala socon jirey waxyaabaha ay bulshadu ka cabanayaan ama tabanayaan ama ku amaanayaan, wuxuuna ahaa nin ka damqada oo ka jawaaba wixi dhaliil ah ee saxaafada maamulkiisa loogu gudbinayo, isla markaana u mariya shakhsiyaad uu weerarayo ama uu doonayo inuu dhaliilo, gaadhayna heer la yidhaahdo ma quraacdo ilaa uu akhriyo wargeysyadii dalka ka soo bixi jirey wakhtigaas waxa ay qoraan subax walba, isla markaana gaadhay heer uu xilalka wasiirnimo, agaasimeyaal, iwm, uu ka magacaabo dadka fikradaha ay u soo dhexmariyaan wargeysyada ka uu doonayo.
La soco cadadka dambe……

Top


Dawladda Djibouti Oo Dib U Soo Celisay Xildhibaano Reer
Somaliland Ah Oo U Safray Ka Qayb-galka
Tacsidii Marxuum Xasan Guuleed

Hargeysa, November 24, 2006 (Haatuf) – Dawladda Djibouti ayaa shalay Madaarka magaaladaDjibouti dib uga soo celisay afar xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, kuwaas oo doonayay inay ka qayb-gelaan tacsida Madaxweynihii hore ee Djibouti Xasan Guuleed Abtidoon oo habeenkii Salaasadii 21-kii November 2006 ku geeriyooday magaalada Djibouti.

Xildhibaanadan oo kala ahaa; Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Cali Yuusuf Axmed, Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Maxamed Cumar Jabaabul waxay ka amba-baxeen Madaarka Hargeysa sideedii subaxnimo ee shalay, waxaanay Madaarka Djibouti ka dageen, isla sideedii iyo badhkii subaxnimo, iyada oo afarta Xildhibaanba ay siteen baasaboorka Somaliland, sida uu noo sheegay Xildhibaan Bashiir Sh. Xuseen Tukaale, afarta xildhibaan waxay ku xanibnaayeen Madaarka Djibouti qadar saacad iyo badh ah kadib markii masuuliyiinta socdaalka ee Djibouti ay u diideen inay galaan magaalada Djibouti.

Xildhibaan Tukaale oo faahfaahin ka bixinaya arrintaasna waxa uu yidhi: “Markii aanu Madaarka galnay, saraakiisha laanta socdaalka ayaa naga qaaday Baasabooradii aanu siddanay, kadibna waxaanu u sheegnay inaanu nahay xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somaliland oo doonaya inay shacabka reer Djibouti kala qayb-galaan tacsida Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon, waxaanay na fadhiisiyeen qaybta transit-ka ee Madaarka, iyagoo noo sheegay inay dawladda Djibouti kala xidhiidhayaan socdaalkayaga, kadib markii aanu saacad iyo badh fadhinay ayay nagu soo war-celiyeen in amar lagu soo siiyay inaan nala soo dayn, ee dib naloogu celiyo diyaaradii aanu la soconay, taas oo Madaarka Djibouti naga soo qaaday tobankii Subaxnimo, sidaas ayaanu dib ugu soo noqonay, laakiin annagu xilkii na saarnaa waanu iska ridnay.”

Xildhibaan Bashiir oo aanu wax ka weydiinay in arrintani ay la xidhiidho Baasaboorada Somaliland ee ay siteen iyo in kale, wuxuu noo sheegay in Xildhibaan Cali Yuusuf oo ka mid ahaa Xildhibaanada ay wada-socdeen uu hore Djibouti ugu galay Baasaboorka Somaliland oo loo fiiseeyay, balse uu u malaynayo in sababta sidan loola macaamilay ay la xidhiidho hirdi ka dhashay doorashadii Golaha Wakiilada ee Somaliland ka dhacday bishii September 2005.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo aanu wax ka weydiinay in socdaalkan afarta xildhibaan ay ku tageen Djibouti ay wax kala socdeen, wuxuu sheegay in safarka Xildhibaanadu ahaa mid gaar ah [private] oo ay shir-gudoonka ku soo wargeliyeen ka hor intii aanay u ambabixin Djibouti.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Djibouti, Mr. Rashiid Xaaji Cabdillaahi, ayaan isagu ka soo ag-wareegin afarta Xildhibaan xilligii ay ku xanibnaayeen Madaarka Djibouti.
Xildhibaan Bashiir oo aanu weydiinay sababta ay wakiilka ula xidhiidhi waayeen ama uu isagu ula soo xidhiidhi waayay, wuxuu ku jawaabay “Wallaahi ninkaasi kolay waxa nagu maqaalo ahayd habeenkii uun buu shaqeeyaa.”

Doorashadii Golaha Wakiilada ee Somaliland lagu qabtay sannadkii hore ayaa sida laga warqabo waxa ku soo baxay Xildhibaan keliya oo ka soo jeeda Beesha Ciise, kadib markii ay is-casileen afar musharax oo beesha Ciise uga sharaxnaa xisbiga KULMIYE. Waxa xiligii lagu jiray ololaha doorashadii wakiilada soo baxay warar sheegayay in Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, uu si weyn uga shaqeeyay sidii ay beesha Ciise u qaadici lahayd ka qayb-galka doorashadaas, kadib markii Komishanka doorashooyinka qaranka ee Somaliland gaashaanka ku dhufteen codsi ay odayaal Beesha Ciise ka tirsani ay ku doonayeen in beeshooda la siiyo shan kursi oon wax tartana loo galin (Unopposed), hase yeeshee may caddayn in Ismaaciil Cumar Geele uu beesha Ciise ee uu ka tirsan yahay la doonayay kuraasi sad-bursiimo ah iyo inay ujeedadiisu ahayd inuu wax u dhimo sumcadda fiican ee Somaliland uga soo hoyatay guulihii uu dalku ka gaadhay, taaba gelinta dimuqraadiyada ee hanaanka xisbiyada badan ku dhisan.

Dawladda Somaliland ayaa iyaduna hore dalkeeda uga celisay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Djibouti oo doonayay inay ka qayb-galaan aaskii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo 6-dii Bishii May 2002 ka dhacay magaalada Berbera, taas oo diyaaradii weftiga Xildhibaanada Djibouti ay saarnaayeen oo subaxdii aaska ku soo socotay Madaarka Berbera ay dib ugu noqotay Djibouti iyada oo weli hawada ku jirta, kadib markii ay dawladda Somaliland u diiday ogolaansho ay ku so fadhiisato Madaarka Berbera.

Tan iyo intii uu Madaxweyne Daahir Rayaale xukunka Somaliland qabtay, xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti u dhexeeyaa waxa uu u muuqday mid sidii xilliyadii hore soo dhaamaya, iyadoo Mr. Rayaale booqashadiisii ugu horeysay ee uu dalka dibadda ugaga baxo wax yar kadib markii uu talada qabtay uu ku tegay dalka Djibouti, halkaas oo ay kulamo ku dhexmareen Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Top


Laba Kaclaynta Fadeexada Iskaraabka Iyo Doorka
Labada Masuul Ee Dalka Ugu Sareeyaa Ku Lahaayeen
Mudaharaadkii Berbera Ee 16-Ka November

Hargeysa, November 24, 2006 (Haatuf) - Xoggo cusub oo ka soo baxay mudaharaadkii ay 16-kii bishan sameeyeen dadweynaha reer Berbera ayaa muujinaya, inay jiraan gacmo hoose oo daaha dabadiisa ka hagayey mudaharaadadkaasi.

Inkasta oo aanay si rasmi ah u soo shaac bixin cidda soo abaabushay mudaharaadkaasi, haddana sida ay sheegeen warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay mudaharaadka waxa laga abaabulay dhinaca Hargeysa, iyada hagayeen xubno wasiiro ah oo ay madaxweynaha isku ogaayeen in iskaraabka madaxweynaha laga khal-khaliyo, isla markaana mudaharaadkan oo ka dhashay hadalo ka soo yeedhay xagga xukuumadda oo sheegayey in wershada sibidhka Berbera iskaraab ahaan loo iibinayo, sidaasna ay iskaga horyimaadeen labada masuul ee dalka ugu sareeyaa, iyada oo sida laga soo xigtay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa 18/11/2006, bixinta iskaraabkii ugu dambeeyey ee mudaharaadku ka dhashay, waxa lahaa madaxweyne ku xigeenka, isaga oo qaabkii uu u bixiyey sharaxayana waxa uu yidhi. “haddii aan ka waramo iskaraabka waxaan filayaa wuxuu socday muddo laba sannadood ah, labadaa sannadood haddii aan ku soo ururiyo taydii u dambaysay, niman la yidhaahdo Jimciyadda SOOYAAL ayaa cabanayey, hadday cabanayeen, waxa la yidhi soo mara sharciga, waanay soo mareen, ka dibna ayey halkan iigu yimaadeen, iyaga oo wata Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Sheekh, waxaanay igu yidhaahdeen maadaama aan nala siin balan qaadkii 10% in nala siiyo iskaraabka markii la rarayey oo aanay taasi dhicin, markii aanu sifihii sharciga ahaa soo marnaynta waatan la yidhi digreeto madaxweyne ayaa lagu joojiyee, markaan waxa aanu doonaynaa inaad wax nagala qabato, ka dibna sidaasaanu aniga iyo Suldaanku isku raacnay oo aanu madaxweynaha ugu tagnay, dabadeed waxaanu aniga iyo madaxweynuhu isla garanay wax kooban in la siiyo, waxaas oo ah iskaraabka aan dalka anfaca u lahayn”.

Sida ka muuqata hadalka madaxweyne ku xigeenka, arrintani way wada ogaayeen isaga iyo madaxweynuhu, balse markii dambe waxa arrintaasi kaga baxay madaxweyne Rayaale, iyada ay warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in qasriga madaxtooyada laftiisa laga soo abaabulay mudaharaadka.

Waxaanay wararka arrintaa la xidhiidhaa sheegayaan in mudaharaadkani la doonayey in lagu fashiliyo ogolaanshaha madaxweyne ku xigeenka, sababta oo ah maalintii mudaharaadku dhacay mar arrintaasi wax laga weydiiyey afhayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale waxa uu yidhi madaxweyne Rayaale, “Waxa aan hore u joojiyey ka ganacsiga iskaraabka, haddii ay jirto mid la qaadayaa hadda ayaan joojiyey”.
Ereyadan ayey dad badani u macnaysteen in madaxweyne Rayaale uga dan lahaa inuu ku gubo ku xigeenkiisa oo lahaa ruqsada bixinta iskaraabka mudaharaadka sababay.
Waxa kale oo ay wararka naga soo gaadhaya magaalada Berberi sheegeen in mudaharaadkan laga sii war qabay saddex maalmood ka hor intii aanu dhicin, balse aan wax talaabo ah oo lagaga hortegayo la qaadin, isla markaana u maamulka gobolka laftiisu lug kula jiray, isaga oo fulinaya fariin xagga madaxweynaha uga timid, lamase oga xaqiiqada arrintaasi.

Hase yeeshee marka la eego hadalka labada masuul ee ugu sareeya dalka ka soo yeedhay mudaharaadka ka dib, waxa ay muujinayaan in haba yaraadee aanu meesha ka baxsanayn khilaaf labadooda u dhaxeeyaa, kaasi oo salka ku haya arrinta iskaraabka iyo weliba arrimo kale oo siyaasadeed oo dhexdooda ah, gaar ahaana xagga xisbiga UDUB ee ay hogaankiisa iskaga hooseeyaan.

Haba is-khilaafeen labada masuul ee dalka ugu sareeyaay’e, waxa la leeyahay arrinta fadeexada iskaraabku intaasi kuma qaboobin, ee marka laga yimaado mudaharaadka iyo dadka u xidh-xidhanba, haddana waxa jira rabshado kale oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada Berbera.

Taasina waxa sal looga dhigayaa maamulka gobolka oo dhiniciisa isagu dabkiisa meel ku shita oo rabshadii dhacday dadkii la xidh-xidhayba iyo wixii burburayba wuxuu ku soo koobay laba milyan oo malaha uu jaad ahaan doonayey inuu u isticmaalo laga qaatay, halka tirada ugu badan dadka xidh-xidhana uu beel keliya ka soo wada xidh-xidhay.
Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in badhasaabka gobolka iyo madaxweyne ku xigeenku isku dhinac yihiin, halka madaxweynaha iyo xubno wasiiro ah oo gobolka ka soo jeedaana ay dhinac yihiin.

Sidoo kale waxa ay wararku sheegeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil (Ciro) ayaa isaga la sheegay inuu labadaba u dhaxaysiiyey, inkasta oo la sheegay inuu xagga madaxweynaha u dhaw yahay haddana marka hadalkiisa la eego, haddana waxa la sheegay in wasiirka arrimaha guduhu beryahanba olole ka waday magaalada Berbera, kaasi oo uu ku doonayo inuu laba boglayntiisa isugu luga duwada xagga madaxweynaha.

Isku soo duuboo hirdanka labada masuul ee Wadanka ugu sareeyaa sidaa ku sii socdo waxa ay dad badani aaminsan yihiin inay taasi sababi karto inay dib u soo laba kaclayso fadeexadii iskaraabku, isla markaana ay noqoto, “Haddii laba maroodi diriraan doogaa ku dhex burburo”, taasi oo macnaheedu noqonayo in rabshadaha halkaasi ka dhacaa wadanka oo dhan ku faafaan.

Top


“Ma Jiro Qof Adduunka Iga Nasiib Xun, Waayo
Waxaan Sii Arkaayay Hooyaday Iyo Walaashay
Oo Mid Waliba Leedahay I Badbaadiyaay, Oo
Aan Waxba U Qaban Kari Waayay”

”Sidee ayaad farxad ugu noolaan kartaa adigoo hal daqiiqo gudaheed waayay dhamaan dadkii aad aduunka ugu jeclayd”
Maxamed Muxiyadiin Maxamed, Wiil reer Somaliland ah oo ka badbaaday laash ay ku dhinteen Hooyadii iyo Caruurtoodii – Wareysi


Malta, November 24, 2006 – Boqolaal dhalinyaradeena ka mida ayaa sanad walba nafahooda ku biimeeya saxaraha iyo Badda Dhexe (Mediterranean Sea), iyagoo beegsanaaya dalalka Yurub una hanwayan in ay halkaa ka heli doonaan nolol fiican iyo mustaqbal wax ku ool ah.

Inta ay dhalinyaradani safarka ku jiraan waxa ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan sida xadhig, dhac, jidhdil iyo iyadoo qaar badan oo ka midi ay nafahooda ku waayaan.
Dadkan dhalinyarada u badan ayaa waxa ay ka bilaabaan socodka ugu adag meel aan ka fogayn xarunta looga taliyo wadanka Sudan ee Khartoum, iyagoo halkaa laga saaro gawaadhi five-layaala oo lagu raseeyay in ka badan 35 qof isla markaana la daalaa dhaco jeexjeexyada iyo ka talaabida hirar iyo buuraha tamuuxa ah, waxay dadkaasi si isbiimayn ah u waajahaan kumanaan Mile oo saxarahaas ah. safarka saxaruu waxa uu si aada u metelaa hawlgalkii reer galbeedku ay ka wadeen wadamada Afrika qarnigii 18aad ee lagu magacaabi jiray ganacsigii gumarysiga (Slave Trade). Tusaale ahaan dadka waxa lagu rasaynayaa budh, wax tixgalina oo nimankaa gawaadhida wataa dadka siinayaana ma jiraan, waxaana caadiya in qofkii gaadhiga ka dhaca la iska dhaafo iyadoo aan la sii eegin in uu noolyahay iyo in kale.

Marka laga yimaado dhibaatada iyo saxriirka safarka saxaraha, waxa dhacda in darawalka gaadhiga wadaa ku dayoobo saxaraha oo jahadu ka lunto. Waxa sidoo kale dhacda in gaadhigu jabo ama in darawalka gaadhiga wataa habeenimo dadka ka cararo. Dhibaatooyinkaas oo dhan ayaa waxa ay yihiin kuwa sababa in boqlaal dad ahi si aad u xun ay badhtamaha saxaraha gaajo iyo haraad ugu dhintaan.

Dadka inta ka soo samata baxda ayaa waxa ay isu diyaariyaan in ay wajahaan safar cusub oo dhinaca badda ah iyaga oo iska xaadiraya xeryaha qarsoodiga ah ee ku yaal duleedka magaalada Tripoli ee wadanka Liibiya, kuwaas oo ay kala kulmaan dhac iyo xadhigba.
Dawladda iyo shacabka Liibiya ayaa waxa ay ka midaysan yihiin dhaca, boobka iyo quudhsiga dadka madow lagula kaco. Laaluushka ayaa waxa uu yahay wax ka mida nolosha caadiga ah.

Haddaba badda ayaa imika waxa ay tahay khatarta ugu wayn ee sannadkan sida weyn loogu dhintay waxaana dadka sanadkan ay galaafatay masiibada baddu ay kor u dhaafayaan boqol qof. Sidaas darteed si aan wax uga ogaano masiibadan iyo dadka ay dhibaatadani soo gaadhay waxa aanu la kulanay Maxamed Muxiyadiin Maxamed oo ah wiil 18 jir ah oo ka samata baxay laash 29 July 2006 ku qaraqmay duleedka Jasiirada Malta. Hase yeeshee Maxamed laashkaas uu ka samata baxay waxa uu ku waayay hooyadii iyo shan caruura oo ay walaalo yihiin oo la socday.

Maxamed oo imika ka soo kabtay murugo farabadan oo ka soo gaadhay shilkaas, ayaa waxaan la yeeshay wareysi uu kaga waramay rafaadkii iyo dhibtii xanuunka badnaa ee uu ku waayay intii dadkiisa ugu jeclaa. Wareysigaasina waxa uu u dhacay sidan:

S: Maxamed waxa aad marka hore wax nooga sheegtaa hab nololeedka qoyskiina iyo duruufii keenay in aad Liibiya timaadaan iyo sida aad dalkii hooyo uga soo haajirteen?
J: Walaal marka hore xiligii dagaalkii sokeeye ka socday Somaliland ayaanu ka soo baxnay dalkeenii kadib waxa aanu markaa aniga iyo hooyaday nimi Sudan anagoo xiligaa rabnay in aanu Sucuudiga galo oo aabahay wax nooga qalqaalinayay laakiin markii ay taasi suuroobi wayday aniga iyo hooyaday iyo aabahayba waxa aanu degnay dalka Liibiya halkaas oo aanu ku noolay ilaa sanadkan horaantiisii, caruur walaalo nahay oo badanina ay noogu dhalatay.

S: Goorma ayay ahayd xiligii aad soo gasheen Liibiya?
J: Waxa aanu soo galay Liibiya sannadkii 1994 waxaana halkaa noogu dhashay 5 caruur ah muddadaas.

S: Goorma ayaad Liibiya ka soo baxdeen se maxaa idinku khasbay in aad ka soo baxdaan meesha aad intaa ku noolaydeen?
J: Walaal Liibiya waxa aan ka soo baxnay 27 July 2006 goor habeenimo ah, waxaananu ka soo dhaqaaqnay meesha dadka laga raro ee lagu magacaabo KHUMUS. Run ahaantii soo bixidayadana waxa sabab u ahaa odayga aabahay ayaa markii hore shaqayn jiray kadib odaygii baa shaqadii laga saaray sidaa daraadeed noloshii ayaa nagu adkaatay, taas ayaa sababtay in aanu badda isku soo biimayno.

S: Maxamed bal ka waran laashka tirada dadka saarnayad iyo waxa sababay inuu qaraqmo?
J: Waxa laashka saaraa 30 qof, waxaana sababay in uu qaraqmo laashku wuxuu ahaa meel yar oo gunta ah ayuu ka dalooshamay ka dibna waa la gufeeyay oo maryo yar yar ayaanu meeshii galinay balse arrinku waxa uu faraha ka baxay markii ay MALTA soo muuqatay oo mar qudha la wada istaagay oo farxad qof waliba is yidhi eeg bal beriga, kadib waxa dhacday in istagii dadku istaageen uu loox jabay ka dib sidaa ayuu laashkii ku degay.

S: Maxamed bal ka waran sida aad adigu ku soo badbaaday iyo dadkii kale inta ku dhimatay?
J: Markii uu laashkii degay ayaan heleelay Jirikaan ka mida kuwii aanu shidaalka ku sidanay oo madhan kaas ayaanan in badan haystay kadibna waxa na soo gaadhay dooni kaluumaysato ah oo na badbaadisay, waxa nolol lagu soo qaaday 13 qof waxana dhintay 17 qof.

Su'aalahaas ka dib waxa jiray su'aalo aan kala walaacay Maxamed in aan weydiiyo ka dib markii aan ka dareemay murugo wejigiisa ka muuqata oo isa soo taraysa. Balse waxa xasuus leh in aan maalin maqlay Maxamed Muxuyadiin Maxamed oo leh “ma jiro qof aduunka iga nasiib xun waayo waxa aan arkaayay hooyaday oo qaylinaysa oo i badbaadiyaay leh, haddana aanan waxba u qaban kari waayay, waxa aan arkaayay walaashay oo sidoo kale kor u dhawaaqaysa ilaa ay dhamaantood hadalka jareen waan arkaayay.

Maxamed waxa uu imika qaataa dawooyin ah nooca dejiya dadka dareenkoodu kaco Maxamed Muxuyadiin waxa kale oo uu noo sheegay in uu aad uga xun yahay dadka kale ee isku soo biimaynaaya badda, isagoo arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi
“Run ahaantii qofkastaa waxa uu rajaynayaa marka uu Yurub u soo tahriibayo in uu heli doono farxad iyo nolol fiican balse arinku sidaa maaha waayo, sidee ayaad farxad ugu noolaan kartaa adoo hal-daqiiqo gudahood waayay dhamaan dadkii aad aduunka ugu jeclayd”.

Marka aynu eegno dhibaatooyinka tahriibta iyo sida loogu dhimanaayo ayaa waxa dhinac socda dhawr wax oo aad la yaab u leh arrinta koowaad waxa si xawliya u sii kacaaya sanad walba dadka isku soo biimaynaaya safarkaa dheer ee hubaal la'aanta, iyadoo sanadkan oo qudha marka loo eego sanadkii hore ay kor u kacday dadka badda soo galay in ka badan shan laab sanadkii hore. Tusaale ahaan intii u dhaxaysay June 15 ilaa July 30 ee sanadkan, waxa soo galay jasiirada Malta 273 qof oo dhamaantood ka soo jeeda Somaliland oo u badan reer Togdheer, halka ay ku dhinteen 32 qof oo reer Burco ahi.
Waxa kale oo si weyn ugu soo kordhay arrimaha tahriibta kor u kaca dumarka, iyadoo ay jirtay in sannadii hore in ka yar boqolkii ba shan (5%) ay dumarku ahaan jireen, halka sannadkana ay kor u dhaafayaan boqolkiiba 50%.
C/Casiis Cali Saleebaan, Jasiirada Malta
Source: Togdheer News

Top


Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Oo Sheegay
Inay Maxamed Xaashi Cilmi Ku Wada Jireen
Guddi Wasiiro Ah Oo Sannadkii 2003 Fasaxday
Iibka Iskaraabka Markii Dan Guud Loogu Baahday

Hargeysa, November 24, 2006 (Haatuf) – Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni ayaa shaaca ka qaaday in iibka iskaraabka ay mamnuuceen guddi wasiiro ah oo uu madaxweyne Rayaale u saaray sannadkii 2003, ka dib markii loogu baahday dan guud oo la xidhiidha dhismaha ciidanka Qaranka, sidaas darteedna ay guddida Wasiirada ahi go’aamiyeen in dan guud loo aqoonsado oo aan la iibinin, lana dhoofinin.

Waxaanu Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cabdi Xasan Buuni sidaa ku sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo saaray oo nuqul ka mid ahi Haatuf soo gaadhsiiyey, kaasi oo uu si kulul ugaga jawaabay shir jaraa’id oo uu doraad qabtay wasiirkii hore ee ganacsiga Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi.

Waxa uu Cabdi Xasan Buuni jawaabtiisa Maxamed Xaashi ku dhaliilay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Iskaraabka iyo go’aanadii ka soo baxay kulan ay ku yeesheen magaalada Sheekh guddi tur-xaan bixineed oo loo saaray xalinta wada shaqayn la’aan beryahanba ka dhex taagnayd golayaasha Qaranka.

Maxamed Xaashi waxa go’aamadii ka soo baxay ku tilmaamay qaar aan waxba ugu filayn dadka reer Somaliland, balse kharash badan uun lagu bixiyey.
Hase yeeshee Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha oo hogaaminayey guddidii tur-xaan bixinta ku metalaysay xukuumadda waxa uu Maxamed Xaashi ku eedeeyey inuu yahay nin iska hadla uun.

Waxaanu Cabdi Xasan Buuni ku yidhi warsaxaafadeedkiisa, “Shir saxaafadeedkaygani wuxuu ku saabsan yahay hadalkii Maxamed Xaashi Cilmi uu ka jeediyey Warbaahinta.
Sida caadada u ah Maxamed Xaashi Cilmi wakhti kasta wuxuu ka hadlaa cambaarayn iyo cay dawladda guud ahaaneed ah, iyadoo mucaaradadu tahay wax toosin ee aanay ahayn wax dumin, waxaan ka soo qaadanayaa hadalkii Maxamed saddex qodob, anoo marka hore taxaaya.”

Cabdi Xasan Buuni isaga oo ka hadlaya hadal uu yidhi Maxamed Xaashi oo ahaa inuu isagu keligii ka hadli jiray wasiiradda, isla markaana uu diidi jiray wixii xun, halka golaha wasiiradda kale dhamaantood aanay ku dhici jirin, waxa uu wasiirku isaga oo arrintaasi ka jawaabaya yidhi. “Ta koowaad ee Maxamed ka yidhi anoo keliya ayaa daacad ka ahaa golaha wasiiradda, markaan ahaa wasiirka ganacsiga iyo wershadaha hadalkaa oo Maxamed hadal hayn u leeyahay, waxaan u daynayaa dadweynuhu inay ka jawaab bixiyaan”.

Wasiir Buuni mar uu ka hadlayey arrinta iskaraabka ee uu Maxamed Xaashi ka hadlay waxa uu yidhi. “Waxaan dadweynaha u sheegayaa, Maxamedna xasuusinayaa in markii ugu horeysay ee la soo qaado iibka iskaraabka ay soo go’aamiyeen guddi Maxamed ka mid ahaa, ana aan ku jiray oo Madaxweynuhu magacaabay, dawladda cusub ee 2003, taas oo loogu baahday dan guud oo ahayd bilawgii dhismaha ciidanka Qaranka, Maxamedna ahaa wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha, haddii uu Maxamed u arkaayey dan guud maxaa imika isbedelay, markii uu debada uga baxay dawladda”.

Inkasta oo uu Cabdi Xasan Buuni jawaab ka bixiyey hadalka dhaliisha Maxamed Xaashi ee arrinta Iskaraabka, haddana waxa uu qiray sida hadalkiisa ka muuqata in guddida Maxamed Xaashi ay ku wada jireen ee la xidhiidha iskaraabka ay ku taliyeen inay tahay dan-guud oo loo baahan yahay, loona macnaysan karo in waqtigaasi guddida loo saaray ay ku taliyeen in aan la iibinin, lana dhoofinin.

Qodobka saddexaad ee uu Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu Maxamed Xaashi uu uga jawaabay waxa uu ahaa cambaarayn uu Maxamed Xaashi u jeediyey Guddida Tur-xaan bixinta ee golayaasha Qaranka, kuwaasi oo uu Maxamed ku sheegay in aanay ka soo bixin wixii loo baahnaa, waxa keliya ee ay ka hadleena ahaa dastuurka, balse kharash badan oo lagu laaluushay ku baxay xildhibaanada si aanay go’aan qaran u gaadhin.
Waxaanu Buuni isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi. “Waxa aan weydiinayaa Maxamed, una bandhigayaa dadweynaha in Maxamed cambaaraynayo todobada maalmood ee lagu soo xaliyey, khilaafaadkii dhexyaalay golayaasha Qaranka oo uu ku sheegaayo in lacag badan oo dadweynaha masaakiinta ahi u baahnaa lagu khasiray shirkaa isaga ah”.

Hase yeeshee, Wasiir Buuni waxa uu kharashka ku baxay Guddida Tur-xaan bixinta bar-bar dhigay, kharashkii ku baxay mar ay sannadkii 2003, ku tageen dalalka USA, Korea iyo wadamo kale, wefti ay hogaaminayso wasiirkii hore ee arrimaha debada Somaliland Edna Aadan oo uu Maxamed Xaashina ka mid ahaa, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya Buuni yidhi. “Haddii Maxamed todobada maalmood uu u arkaayo in kharash badani ku baxay, isagu haddii uu hogaaminayana aanay u dhacdeen sidaas, muxuu u arki waayey una dhaqaalayn waayey kharashkii ku baxay isaga markii uu weftiga u baxay ee ay hogaaminaysay Marwo Edna ee halkii laga filaayey inuu safarku qaato ugu badnaan laba ama saddex todobaad uu ku qaatay saddex bilood, kuna tagay meelo badan oo aan loo baahnayn, halka uu ka yidhi dastuurkuun bay ku war-wareegayeen iyo shuruucda ka farcanta, maxaa kale ee loo cuskan lahaa in lagu xalilo khilaafaadkii dhexyaalay golayaasha Qaranka.”

Mr. Buuni waxa kale oo uu Maxamed Xaashi ku dhaliilay shirarka jaraa’id ee uu qabto, waxaanu yidhi. “Maxamedoow haddii la qiyaaso inta aad shir jaraa’id qabato waxaa la odhan karaa bishii waa ha lama laba, intaad ka maqnayd xukuumadda manaad arag cid kuu jawaabta maanta ka hor, maantana waxaan kuugu jawaabayaa waxay tahay haddiiba aad aqoonsan weyday una haynayn weyday dadkii soo qabtay go’aanka dhaxal galka ah ee lagu tur-xaan bixiyey wax alla iyo wixii khilaafaad dhex yaalay golayaasha, lagaama sugaayo wax dambe, waxaanan kugula talin lahaa inaad ka fikirto intaanad falin”.
 

 


ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Waa Maxay Red Mercury?
Maxaase Ka Jira Sheekada Ku Xeeran?

Jawaabta Su’aashani hore waxay uga yaabisay maxkamadaha Ingiriiska ku yaala imikana bileyska iyo Maxkamadda Booramaa ku wareersan.

Nin Soomaliya oo la yidhaahdo Cabdiraxman Qanyare iyo laba nin oo kale ayaa maxkamad Ingiriiska ku taala la soo taagay bishii April ee sanadkan 2006. Saddexdan nin waxa lagu soo eedeeyay inay doonayeen inay iibsadaan walax “Red Mercury” suurto gal ka dhigaysa samaynta bom "dirty bomb". Bomkaas oo haddii uu galo gacanta argagixisada hal mar gubi karayay magaalo le’eg magaalada London oo dhan. Kiiska Maxkamaddani waxa uu ahaa mid la yaab leh, waayo qofna ma uu sheegi karayn arrinta nimankan lagu soo eedeeyay inay wax jira tahay iyo in kale. Qof kasta oo maqlay ereyga “red mercury” na fikrad kala jaada ayuu ka bixinayay waxa ay tahay. Xataa culimada ku takhasustay arrimaha nukliyeerka iyo kimikada ayaa isku raaci wayday jiritaanka walaxdan iyo haddii ay jirto shaqada ay qabato.

Xeer ilaaliyaha dawladda ee kiiskani waxa uu Maxkamadda ka hor qiray inaanay xataa hubin jiritaanka walaxdan Red Mercury ee raadinteeda ninkan Somaliga ah lagu soo eedeeyay, balse waxa uu raaciyay waxay iibsanayeen walax ay ku qiimeeyeen $ 300,000 (saddex boqol oo kun oo doollar) in kiiloogeedii suuqa laga siinayay. Markaa haddii aanay aqoon waxa lagu qabanayo maxaa keenay inay qiimaha intaa le’eg ay ula diyaar ahaadaan ayuu xeer ilaaliyuhu ku dooday.

Sheekada Red Mercury waxay markii u horaysay suuqa soo gashay, dhamaadkii sannadihii sideetamaadkii markii la qoray inay Ruushku sameeyeen iyagoo adeegsanaya walaxdan, bomb nukliyeer ah oo quwad weyn, aadna uga yar bambooyinkii jiray, kaas oo lagu qiyaasay inuu le’eg yahay kubad ciyaarta baseball-ka lagu ciyaaro (10 KG) balse ay quwaddiisu tobanaan jeer ka weyn tahay ta nukliyeerka imika jira. Isla markiiba waxa bilaabmay raadinta walaxdan red mercury oo aan la hayn cid si dhaba u sheegta waxa ay tahay iyo inay dabiici tahay iyo in wax shaybaadh lagu sameeyay ay tahay toona.
Aqoonyahanada isku hawlay dabagalka walaxdan ee aaminsan jiritaankeedu, waxay u kala qaybsan yahiin oo ay isku haystaan 4 curiye oo kala jaad. Halka kuwo kalana ay ku macnaynayaan in aanay ahayn walax cas ama ka samaysan curiyaha meerkuri, balse ay ahayd magac sireed oo ay ciidamada Ruushku la baxeen si ay u qariyaan arintan. Qolo kale oo ay ku jiraan ururka atoomiga ah ee caalamiga ahina maba aaminsana haba yaraatee jiritaanka walaxdan sida ay qortay jariidada Guardian Unlimited.

Buuqa ka taagan jiritaanka iyo jiritaan li’ída walaxdani waxa uu cirka isku sii shareeray wixii ka danbeeyay 11 September iyo soo bixiddii ururka argagixisada Al Qaacida oo la sheegay inay si wayn u raadinayeen walaxdan. Waxa kale oo tuhunka lagu sii xoojiyay in ciidamada sirta ee wadamado Carab ahina ay qudhoodu aad u daba joogeen arinkan iyo sheekooyinka la xidhiidha, taas oo sii xoojisay, cabsi galinta qolooyinka iyagu aaminsan jiritaanka mucjisada Red Mercury.

Si kasta ha ahaatee maxkamaddii Ingiriiska ee la hor keenay ninka Soomaaliga ah iyo labada nin ee kale waxay fasaxday eedaysanayaashii kadib markii baadhitaan socday laba sannadood lagu soo xaqiijin kari waayay wax cadaynaya inay iibsanayeen walax laga samayn karo bamb nukliyeer ah (Trio cleared of red mercury plot) iyo xataa jiritaanka walaxdan muranku ka taagan yahay iyo khatarta ay sababi karto.
Gebagebaddii waxa la yaableh in walax jaha wareer hore ugu ridday maxkamadaha iyo ciidamada sirta ee caalamka hore u maray in ay Somaliland-na sheekadeedu soo gashay. Waxa aan aad isu weydiinaya una xiisaynayaa tolow Bileyska iyo Maxkamadda Boorama may xal u heli doonaan furfurida qisadan Caalamka ka yaabisay? Mise waa ku tidhi ku-teenkii oo wali sii socda.
Cabdiraxmaan Jaamac Aadan

 


Madaxweyne Ku-Xigeenku Xaal Ha Siiyo
Qurba-Joogga Reer Somaliland

Run ahaantii aniga oo aan ka mid ahayn dadka reer Somaliland ee qurba -joogga ah ayaa waxan la yaabay hadal uu ka sheegay Madaxweyne ku-xigeen Somaliland LAANTA AFKA SOMALIGA EE IDAACADDA BBC-da mar uu u jawaabayey wasiirka wershadaha, wuxuuna yidhi: “Qurba joogga waannu ka fiirsanaynaa in aannu wasiiro ka dhigno.”

Haddaba hadalkan ka soo yeedhay Madaxweyne ku-xigeenku waa mid sharaf dhac u ah qurba joogga reer Somaliland umana qalmaan in maanta xukuumaddu tidhaahdo xil ma qaadi karaan miyaanu ogayn Madaxweyne ku-xigeenku in dadka reer Somaliland ee qurbaha jooga ahi ay 90% yihiin dad aqoonyahano ah kaalin muhiim ahna ugu jira qaranka, haddii ay tahay ictaaf raadinta haddii ay tahay dib-u-dhiska dalka waana laf-dhabarta Somaliland, waana meesha keli ah ee shacabka reer Somaliland ee gudaha joogaa ay ka helaan waxtarka ugu weyn ee dhaqaale.

Haddaba hadalkan madaxweyne ku xigeenku waa mid uu kula kacay sharaftii ay lahaayeen oo uu wax ugu dhimayo qiimaha ay leeyihiin. Hadalka Madaxweyne ku-xigeenku wuxu ka dhigan yahay [[hal candho qabtaa geed ay ku xoqoto ma waydo]]. Markii uu fadeexadii is-karaabku ay ku soo baxday ayuu marba meel sariirtay oo yidhi qurba jooga ayaa nala soo galay markaa waxaan leeyahay Madaxweyne ku-xigeenka xaal sii qurba jooga reer Somaliland, mana geyaan hadaladaa aad leedahay.

Sidoo kale waxaynu la soconaa fadeexadii ay xukuumaddu kala kulantay is-karaabka markii ay isku dayday in ay furfurato wershada sibidhka, is-karaab ahaanna ugu dhoofiso dibada taas oo ay mudaharaad ka sameeyeen shacabka ku dhaqan Berbera, iyadoo mar hore uu Madaxweynaha Somaliland sheegay in la kicinayo wershada sibidhka ee Berbera oo ay dhisayso shirkad Jarmal ah iyada iyo wershado kale taasina ay ahayd dig iyo dam ay xukuumaddu ku doonaysay inay ku furfurato is-karaabka wershada.

Haddaba waxa nasiib-darro ah in xukuumadii laga sugayey in ay ummadda wax u qabato ay ku soo hoos noqotay hantidii ummadda, taana waxa u sabab ah labada masuul ee ugu sareeya xukuumadda ee ah Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo aan lahayn aqoon waxbarasho oo ay wax ku maamulaan, taas ayaana sababtay in ay la daalaa dhacaan maamulka wadanka, iyadoo aan aqoontooda waxbarasho dhaafsiisnayn dugsi sare.
Haddaba aqoonta waxbarasho ee liidata ee labada masuul ayaa Somaliland waxay dhaxal siisay musuqmaasuq ku baahay hay’adaha dawladda, cadaalad-darro ka soo if baxay hay’adaha garsoorka, dhibaadada dhulka oo lagu tilmaami karo ta keliya ee Somaliland ka abuuri karta xasilooni-darro iyo dayacaada gobolada bari, shaqo la’aanta haysata da’ yarta iyo guul darada aqoonsiga. Waxaas oo dhan waxa saldhig u ah aqoonta waxbarasho ee hoosaysa ee labada masuul ee ugu sareeya xukuumadda.
waxan u rajaynayaa shacabka reer Somaliland harumar.
Cabdillaahi Axmed Caarshe,
AVU student journalist
University of Hargeysa
 

 


Guddida UDUB Shirweynaa Lagu Doortaa
Ee Wasiir Ma Soo Magacaabo

Xisbiga UDUB ma aha kii Siyaad Barre oo kale ee la odhan jiray Xisbiga Hantiwadaagga, ee Xisbiga UDUB waa mid Dimuqraadi ah oo Guddididiisa lagu doorto shirweyne iyadoo la raacayo sharciyaddiisa.

Guddida aan ka midka ahay markii la dooranayey shirweyne ayaa nalagu doortay marka aanu xilka wareejineyno ama dib naloo dooranayana shirweyne ayuun bay ku suurtoobeysaa. Ma dhacayso in guddi guri hoostii lagu soo magacaabay in la yidhaahdo waa guddidii UDUB ee UK sida uu sheegtay ninka isku magaacabay afhayeenka iyo guddida uu sheegay iney yihiin guddida fulinta taas oo ah mid layska yidhi oo la rabo in sumcadda xisbiga wax lagu yeelo. Arrimahaasna waxa ka danbeeyey isagu dan kasta ha ka lahaadee Wasiirka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni oo qaska ilaa iyo maanta haysta Xisbiga dhex dhigay isaga oo ay ka muuqato inuu weli lug ku leeyahay xisbigiisii hore, Cabdi xasan Buuni wuxuu UDUB ku soo biiray markii Wasiirka laga dhigay ee ma aha nin ku yimid mabda’iisa, Wasiirku wuxuu sidaas u yeelay inuu guddida ku soo daro nimanka ay NGO ga wada samaysteen ee reer Sheffield ee wiilkiisana ay ku dareen guddida NGOga arrimahaas oo markuu waday uu ku kala jabiyey Jaaliyadda Soomaaliland ee Sheffield deggen.

Hadaba dadweynaha reer Soomaaliland ee taageera Xisbiga UDUB kuna nool UK waxaan u sheegayaa in aanay shaqayneynin guddi leyska soo magacaabay iney guddida UDUB nqoto, shirweyne waxaan ahaynna lagu dooran maayo. Xisbiga UDUB ma aha Xisbi reer leeyahay ee waa Xisbi sharci leh oo mabda’ lagu taageero wixii la qabanayana sharciyaddiisa ayaa loo raacaa.

Waxaanu fileynaa hanaanka, dimuqraadiyadda iyo geedi socodka UDUB iney xisbiyada kale inagaga deydaan sidaa darteed ma dhacayso in Xisbiga majaraha laga duwo oo dano gaar ahaaneed lagu fushado. Xisbiga UCID shirweynihiisii dhawaan London ka dhacay TVga Universal ayaa 3 cisho laga daawanayey oo laga arkaayey sida guddidiisa loo doortay, hadaba sideebay u dhici kartaa in guddida UDUB inta halkan laga magacaabo in la yidhaahdo gudaha ayaa laga soo ansixiyey oo been abuur la sameeyo ah shirweynaa la qabtay.

Ugu danbeyntii, hore waxaynu ugu balanay in shirweyne lagu qabto London 23kii September 2006, hase yeeshee muu qabsoomin xeelado nalagula dhexjiray awgood. Iminkana waxaanu dadweynaha u sheegaynaa in shirweynihii Xisbiga UDUB dhawaan lagu qaban doono London mudadana si dhakhso ah ayaanu u cayimi doonaa..
Aniis Macalin Haaruun
Khasnajiga Guud ee UDUB UK
Xarunta Xisbiga UDUB UK Sheffield.
 

 


Somaliland In Meel Dheer Laga Eegi,
Weli Ma Cid Baan Garan?


Waxa la yidhi Amiirul Muuminiinkii ayaa nin ka cabanaya gaajo u yimid, markaasuu yidhi aniguna gaajo ayaan ku seexanayaa, Amiirul Muuminiinkiina war iima hayo, isaga ayaana iga masuul ah. La soco oo ninkaasi muu garanayn cida uu la hadlayaa in ay tahay cidii uu ka cabanayay. Intuu baxay ayuu maalkii ummadda ee uu hayay uga soo qaaday wax uu cuno isaga iyo reerkiisiiba, kamana aanu ag kicin ilaa intii ay ka dhergayeen. La soco oo Amiirul Muuminiinku warwar iyo walaac waxa ku beertay in dad xukunkiisa hoos yimaada ay gaajo ku seexanayaan. Ma u malaynaysaa in wali Madaxa Somaliland Mudane Rayaale wali is weydiiyay in xataa MASUULIYAD ka saaran tahay dadka isaga oo hantidii ummadda (Malyuunaad dibadda dhigtay) gaajo ku seexda maalin iyo habeen kasta?

Waxaan kula tali lahaa Mudane Rayaale waligaa maad arag guri aad leedahay, maantana guryo badan ayaad ka dhisatay wadano badan oo dibadda ah. Waligaa malyuun isku yaala maad arag oo aad leedahay, maantana malyuunaad hantidii ummadda ah ee lagugu aaminay ayaad dibadda ku qarsatay. Duca-qabe waxa la soo gaadhay inta waxa qudha ee u hadhay reer Somaliland (WAA NABADA’E) aan meel fog laga eegin, haddii in yar oo Bili’aadanimo ahi kugu hadhay is-casil oo xilka wareeji. Haddii in yar oo damiir ahi kugu hadhay xilka wareeji oo iscasil. Haddii in yar oo laxejeclo wadanimo ahi kugu hadhay xilka wareeji oo is-casil. Ogow oo nin ragga ayaa garta xilkii waad ku fashilantaye iskaga deg, ceeb ha u qaadan in khaladka uu qofku ku jiro in uu garto.

Abaal-gud waxa aad uga dhigtaa ummadda reer Somaliland ee ku qadarisay kuuna igmatay kursigii ugu muhiimsanaa dalka, xilkii aad ii dhiibteen waan ku fashilmay, inta aan burbur idiin soo gaadhin waan ka dagayaa. WAA LAGUU SACABO TUMI, ubadkaaga ubadkiisuna in ay u aayaan baa laga yaabaa taladaa haddii aad qaadatid.

Waxaan maanta Illaahay ugu mahad naqayaa in dad badan oo reer AWDAL ahi ka qaylinayaan sida aad magacoodii iyo maamuuskoodiiba meel ugaga dhacday. Waxaan shaki ku jirin in sababta uu isu casilay SHEEKHAL BALADKII BOORAME aad adigu sabab u tahay. Waxaan maanta Illaahay ugu mahadnaqayaa, in dad badan oo reer Somaliland ahi garteen haddii dalkan halka aad ku wado lagaa qaban oon lagaa gaadhin, in meel dheer laga eegi doono, nabada qudha ee aan ku faanana laba farood dhexdood ka bixi doonto.

Waxaanu ku moodnay mise waxaad noqotay mise waxaan loo noqondoonin; waxaanu ku moodnay in aad noqon doonto ku lagu diirsado xukunkiisa oo boogo badan oo jira oo aanaan halkan kaga hadli karin oo jiray daweeya, waxaadse noqotay mid xukunkiisii dhaafi waayo CUQDAD, XASAD, XINTAN, XOOG-SHEEGASHO, iwm. Waxaanse loo noqon doonin doorasho dambe oo aanu ku doorano. Ama wakhtigaaga dhamayso ama ha dhamaysan, doorasho dambe oo lagu soo dooranayaa ma jirto. Ku abshirso oo ku tala gal, haddii beenaalayaasha wararka beenta ah kuu sheegaa ku leeyihiin wali dadkaagii way ku doonayaan ee nooloow Rayaale nooloowna way qaadayaan. Waa beentood ee sharaf haddii aad doonaysid inta aanaan nabadda yar ee aanu haysanaa naga lumin duca-qabe hore noo dhaaf.

Horaa loo yidhi“Qof Hadii La Doortoo Darajadii La Saariyo Xilkiisi Deeqi Waayo…”
“Haddii Dawo Bukooto Maxaa Lagu Daweeyaa” “Haddii Dabkii Dhaxmoodo Maxaa Lagu Diiriyaa” “Waa Su’aal Da’waynoo Madaxa Daalinaysee” “Wixii Lagu Diirinayoo Dadweynahaa La weydiin”. Xukun daacada oo lagu hago dadka reer Somaliland wax badan ayay u soo mareen. Dhiig bay u soo shubeen. Hantidoodii oo dhan bay ku lumiyeen. Barakac bay u badheedheen. Qaxooti bay ugu baxeen.

Adiguna si yar oo sibiqa ayaad rabtaa in ay ku lumiyaan. Laakiin waxa qoraalkan aan ku soo gebagabeeyay waa maxay waxa aad ka macaashaysaa adigu?
Mase ogtahay in xisaab aakhiro ku sugayso, oo masuuliyadeeda aad adigu leedahay?.
Dadka reer Somaliland ee caqliga saliimka ah leh, ee aan cadiifad qabiil iyo mid shaqsi jacayl ku jirin waxaan leeyahay, inta aanay noqon tallo cidii tashan wayda waa loo tallin oo runtii ah waxa qudha ee koonfur aad ka sugtaan, waxaan idin leeyahay “KA TASHADA CADAAWAHOO ISKU TIIRSANAADA”.

Illaahay Ha Ina Garnsiiyo Xaqa. Illaahay Sidan Si dhaanta Ayaan Somaliland Uga Baryayaa.
Rashiid Cabdi, USA.

 

Top