Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1293 Dec.22, 2006

“Waxaanu Geyn Doonaa Baarlamaanka Ajande Ugu Baaqaya Xukuumadda Kenya In Ay Horseed Ka Noqoto
Aqoonsiga Somaliland”
Paul Muite, Madaxa Wafdiga Baarlamaanka Kenya

Ururka Almis Welfare Association Oo 35 Arday Ugu Deeqay Kharashka Ay Wax Ku Baranayaan Muddo
Laba Sannadood Ah

“Lacagta Wadooyinka Taal Ee Aanay Gaadh Iyo Bileys Toona
Ilaalinayn Meel Walba Waxa Ay Kugu Noqonaysaa Wax Aan
Hore Loogu Arag Dunida”

“Anaga Guddida Horumarinta Ee Ceerigaabo Nama Metelaan Maadaama Aan Taladeedii Wax Saami Ah Nalaga Siin”
Maayarka Degmada Ceel-Afweyn

Ciidamada Amniga Boorama Oo Labadii Habeen U Dambeeyay Xoogga Saaray Amaanka Magaaladaas

Wafdiga Baarlamaanka Kenya Oo Shaaca Ka Qaaday In Mooshin Ay Ku Taageerayaan Aqoonsiga Somaliland
Ay Ka Soo Jeedin Doonaan Golahooda

Wakiilkii Somaliland Ee Djibouti Oo Sheegay In Lagu Amray Inuu 48 Saacadood Dalkaas Kaga Baxo, Xafiiskana Ku Xidho

Dagaalo Ba’an Oo Maalintii Saddexaad Ka Socda Agagaarka Baydhabo Iyo Wararkii U Dambeeyay

Guddoomiyaha Gobolka Awdal Oo Iska Daafacay Eedeymo Kaga Yimi Mid Ka Mid Odayada Reer Boorama

Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Oo Ganaaxii Ka
Qaaday Shan Orad-Yahan

ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Dawladda Ayaa Ogolaatay In Hantidayadii La Dhaco


“Waxaanu Geyn Doonaa Baarlamaanka Ajande Ugu
Baaqaya Xukuumadda Kenya In Ay Horseed Ka Noqoto
Aqoonsiga Somaliland”
Paul Muite, Madaxa Wafdiga Baarlamaanka Kenya

Hargeysa, December 22, 2006 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley wafdi xaqiiqo raadis ah oo ka socda baarlamaanka dalka Kenya oo maalintii doraad booqasho ku yimi caasimada Somaliland ee Hargeysa, halkaas oo ay labada dhinac isku weydaarsadeen warbixino wax ku ool ah oo ku saabsan ujeedada socdaalka wafdiga iyo qadiyada Somaliland, ugu horeyna madaxweyne Rayaale ayaa kulankan uga mahad celiyey weftiga imaatinka iyo shaqada ay u yimaadeen Somaliland, halka uu sidoo kale Poul Kibuge oo ah madaxa weftiga isaguna ka mahad-celiyey sida fiican ee looga soo dhoweeyey dalka. Waxa kale oo madaxweyne Rayaale ku sheegay safarkooda ka dib in ay baarlamaanka Kenya hordhigi doonaan ajande ay baarlamaan ahaan ugu baaqayaan xukuumada Kenya inay horseed u noqoto aqoonsiga Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta qasriga madaxtooyada, kaas oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale, qoraalka warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan:
“Madaxweynaha JSL ayaa maanta xafiiskii booqasho sharaf ugu qaabiley weftiga xaqiiqo raadinta ahaa ee ka socday baarlamaanka dalka Kenya.

Madaxweynuhu isgoo uga mahad-celiyey kuna soo dhoweeyey imaatinka shaqada ay ugu yimaadeen Somaliland, waxa uu ugu horeyntii uu warbixin kaga dhegaystay ujeedada socdaalkooda madaxa weftiga baarlamaanka Kenya mudane Paul Kibuge Muite oo ka mahaed-celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhoweeyey Somaliland dawlad iyo shacbi, taas oo uu sheegay inay ku dhiiri-gelinayso hawshii ay u yimaadeen inay mid midho dhal ah noqoto, wuxuuna cadeeyey in laba qodob ay kahawl-geli doonaan:

1. In baarlamaanka Kenya uu ka qayb-galo raaridiska Afrika iyo caalamkaba in aanay Somaliland ahayn gobol ka go’ay Somaliya ee ay ahaayeen dal dadkiisu ay iskood ugu biireen Somaliya la soo noqoshada madax banaanidoodana iyagu ay goysteen iyo inuu yahay dal jira oo nabdoon.

2. Waxaanu geyn doonaa baarlamaanka Kenya ajande aanu dawlada Kenya uu baarlamaanku ugu baaqi doono in xukuumada Kenya ay horseed u noqoto aqoonsiga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland intaas ka dib, wuxuu mudanayaasha baarlamaanka Kenya u cadeeyey in uu aad raali uga yahay booqashadii uu ku tegay dalkoda Kenya iyo gaar ahaan madaxweynaha Kenya Kibaki sidii maamuuska lahayd ee uu uga dhegaystay qadiyada Somaliland, isagoo ka mid ahaa raggii waayo-araga ahaa ee taariikhda Afrika ka qarsoon ee Somaliland xog-ogaalka u ahaa, kana garaabay gar-naqsigii aanu ula soconay.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu weftiga uga waramay si faahfaahsan:

1. Somaliland inay ahayd dal madaxbanaan oo ka horeeyey intii uu Talyaanigu guumaysan jirey iyo sababtii doonista shacbiga ahayd ee ay ugu biireen.

2. Halgankii Somaliland ay u gashay dib ula soo noqoshada madaxbanaanideedii iyo qaabkii ilaa heerkan ay ku soo gaadhay, iyadoon ciddina dibada ka taageerin.

3. Sharciga caalamka marka loo eego iyo xeerarka midowga Afrikaba sida gooni isu taaga Somaliland aan loogu xad-gudbaynin, gaar ahaan Afrika go’aankeedii ahaa in Afrika ay wadamo ku kala ahaato xuduudihii guumaysigu uga tegay ee caalamiga ahaa oo uu sheegay in Somaliland ay dib ugu soo laabatay xuduudaheedii uu caalamku aqoonsanaa hadana ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa dal madaxbanaan.

Madaxweynuhu waxa uu intaa ku daray in aanay Somaliland canaan ugu ahayn dhinaca Afrika la socodka taariikhda Somaliland, maxaa yeelay taariikhda dalkani waxay ku dhex luntay ku biiristii Somaliya ee deg-dega ahayd, waxaanuse aaminsannahay in waxaa noo qabsoomay, iyadoon waxba nala tarin ay magac Afrika ku faanto noqon karto, sidaas awgeed mar haddii qadiyadayada ictiraafkeedu aanu ku xad-gudbahayn xeerarkii dal lagu aqoonsanayay, waxaanu mudanahay in cadaalad ay tahay in xaqa aanu leenahay lanoo aqoonsado, waxaanu ku soo gabagabeeyey waxaanu nahay dalka qudha ee aduunka lagu dulmay, wax wanaagsan ayaad qabsateen iyo dalka kaliya ee wadamada badan ee Afrika ee midoobay hadddana ka noqday laga gudbiyey, sidaas awgeed waxaanu idinka codsanaynaa in baarlamaanka Kenya xukuumadiisa uu ku xoojiyo inay hogaamiso ictiraafka Somaliland, arintaas oo weftigu balan-qaaday ka hawl-gelisteeda.

Kulankaasi oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan, waxa madaxweynaha ku weheliyey guddoomiyaha golaha wakiilada, wasiirka arimaha dibada iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumada iyo golaha wakiilada”.
 

 


Ururka Almis Welfare Association Oo 35 Arday Ugu
Deeqay Kharashka Ay Wax Ku Baranayaan Muddo
Laba Sannadood Ah

Hargeysa, December 22, 2006 (Haatuf) – Xaflad ballaadhan oo dorraad Arbacadii lagu qabtay hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa ururka Almis Welfare Association kaga dhawaaqay deeq warbarasho oo ay ugu deeqeen 35 Arday oo ka mid ah dadka dan yarta ah ee magaalada Hargeysa.

Deeqdan oo ay ku deeqeen ururka Almis Welfare Association laantiisa UK, ayaa waxay ka kooban tahay 25 Arday oo ay ka bixiyaan kharash xifdiga Quraanka muddo laba sannadood ah iyo 10 arday oo iyagana laga bixinayo kharashka barashada Jaamacaddaha dalka muddo laba sannadood ah.

Ururka Almis Welfare Association waxa ay xaruntiisu tahay dalka Sucuudiga, balse laamo ku leh dalka Somaliland, UK iyo wadamo kale.

Top


“Lacagta Wadooyinka Taal Ee Aanay Gaadh Iyo Bileys Toona
Ilaalinayn Meel Walba Waxa Ay Kugu Noqonaysaa Wax Aan
Hore Loogu Arag Dunida”

Warbixin Wakaaladda Wararka Ee Associated Press Ka Qortay Somaliland
Hargeysa, December 22, 2006 (Haatuf) – Wakaalada Wararka ee Maraykanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yidhaahdo AP ayaa ka warantay dhibaatada aqoonsi la’aanta ka haysata Somaliland iyo sida ay ugu baahan tahay, waxaanay wakaaladu sidaa ku sheegtay warbixin dheer oo ay shalay baahisay.

Warbixintaasi oo aanu idiin soo turjunayna waxa ay u qornayd sidan:
“Lacagta wadooyinka taal ee aanay gaadh iyo bileys toona ilaalinayn meel walba waxa ay kugu noqonaysaa wax aan hore loogu arag dunida.

Laakiin tani waxa ay ka jirtaa Somalia. Dadka reer Somaliland ee meeshan deggan ee dhinaca waqooyi, ee dal lagu yaqaan sharci la’aanta iyo rabshaduhu yihiin wax iska caadi ah, waxaanay ku doodaan inay helaan meeqaam ka sareeyo oo la mid ah ka Suuqooda sayladaha lacagta lagu kala bedesho, halkaasi oo ay sariflayaashu ka taliyaan suuqa ganacsiga.

Min madaxweynaha ilaa hogaamiyayaasha mucaaradka iyo ragga meelahaa ku cabaya shaaha caanaysan iyo dumarka riyaha iyo idaha ku iibinaya suuqa hawada u furan, dadka reer Somaliland waxa ay kugu weydiinayaan cod keli ah, sababta ay dunidu u aqoonsan weyday madax banaanida dalkooda.

Waxa ay la yaaban yihiin sababta Somalia-da kale oo ay dagaalo aafeeyeen ay indhaha caalamku ugu jeedaan, isla markaana ay caawimo yar oo kooban siiso dunidu, iyaga oo qabsaday doorashooyin madaxweyne iyo baarlamaan sannadihii u dambeeyey.
Waxa ay hubka ka dhigeen maleeshiyadoodii halkan iyo meelaha kale ee Somalia rabshadaha ka abuuray, waxaanay bilaabeen inay gobolkooda dhisaan, ka dib dagaalo si xun u burburiyey, guryahooda, dhismayaasha iyo weliba kaabayaashii dhaqaalahaba.
Dhinacyada wadada tagta dekedda ugu muhiimsan gobolka ee Berbera waxa aad ku arkaysaa taagniyada laga cararay iyo gaadiidka kale ee dagaal oo weli daadsan. Iyo weliba hadhaaga cusbitaal Ruushku dhisay oo ku yaal meel ku dhaw magaalada dekeda ah oo ay ku yaalaan xabada.

Somalia waxa ay ku jirtay qalaalaase dagaalo qabiil muddo dheer, ka dib markii ay hogaamiye kooxeedyadu awooda ka tuureen keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre 1991-kii.

Dawlad ku meel gaadh ah oo lagu dhisay sannadkii 2004-kii taageerada Qaramada Midoobay, laakiin iyadana waxa qariyey maamulkeeda awooda sii kordhaysa dhaq-dhaqaaqyada islaamiga ah.

Somaliland lafteedu kama madhna qaybsanka qabyaalada ku dhisan ee dhinaca siyaasada ee Koonfurta. Halka mid keli ah oo ah qabiilka ugu balaadhan ee Isaaqu, ay si weyn u taageeraan firkada madax banaanida, iyada oo kuwa kale ama badhkoodna aanay haysan kalsooni ama taageerayaan midnimo lala galo koonfurta Somalia.

Laakiin hay’adda ka hortaga qalalaasaha Adduunka oo ah hay’ad ka tala bixisa qalalaasaha oo xarunteedu tahay Belgium ayaa ku yidhi warbixin uu soo saaray bishii May ee sannadkan, in bilawga isbedelka ee dadka yar yar oo ah inta badani ay wax yar uun ka ogyihiin midnimada Somalia iyo in midnimadaasi ahayd uun qalalaase.
Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo ah sarkaal sare oo mucaarad ah ayaa sheegay in Somaliland intan in ka badan horumarin lahayd haddii dunidu u aqoonsan lahayd dal madax banaan.

Maqnaashaha aqoonsigan “waa waxa ugu weyn ee caqabada ku ah ama horjoogsada in la helo maalgashi debadeed” ayuu yidhi Nuur (Fagadhe) oo ah, ku xigeenka gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo ah xisbiga ugu weyn mucaaradka baarlamaanka dhexdiisa.
“Xaqiiqdii waanu halawnay, maxaa loo dafirayaa dhalashadayada iftiimaysa ee ah in aanu noqono qaran madax banaan”.

Arrinta aqoonsiga madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa u sheegay AP inay dawladiisu qorshaysay inay ka hesho wadamada Afrika.

In laga iibiyo madax banaanida Afrikaanka kale, inkasta oo ay adagtahay, dalalka Sudan iyo Nigeria, kuwaasi oo ay ka jiraan kooxo ku kacsan oo u tafa-xaydan madax banaani ma doonayaan inay arkaan wax go’is la yidhaahdo.

Gudoomiyaha Midawga Afrika Alpha Oumar Konare ayaa u sheegay AP in aanay urur ahaan aqoonsanayn Somaliland. “Laakiin waa in la ogolaado inay Somaliland tahay nabadgelyo dimuqraadi ah oo lagu daydo”
Waxa kale oo uu sheegay in Midawga Afrika jecel yahay in hogaamiyayaasha Somaliland inay kala hadlaan kuwa dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia xidhiidhka ay yeelanayaan mustaqbalka.

Dawladda ku meel gaadhka ah inkasta oo ay isku dayday inay maamulkeeda hirgeliso, haddana waxa barbar yaala kooxaha islaamiyiinta ah oo doonaya inay sharci qur’aani ah iskugu keenaan Somalia oo dhan, xataa Somaliland.

Dhawr ka mid ah hogaamiyayaasha Islaamiyiinta ah ayaa ku dooda firkada Somali weyn. Fikradda ah, inay la yaab tahay madax banaanida somaliland, laakiin doonaya midnimada dadka ku hadla afka Soomaaliga oo dhan, oo ay ku jiraan gobolka Waqooyi bari ee Kenya, gobolka ogaadeeniya ee bariga Itoobiya iyo Djibouti.

Waxay ahayd (Somaliland) maxmiyad Ingiriisku gumaysto, ka hor madax banaanida 1960-kii, ka dibna waxa ay Somaliland la midawday gobolkii Talyaanigu gumaysanayey ee Somalia ee dhinaca Koonfureed, oo madax banaanidiisa qaatay 1, July, 1960, si ay u abuuraan Jamhuuriyadda Qawmiyadda Somalia ee cusub.

Iyada oo aanay weli cidina aqoonsan Somaliland madax banaanideeda, haddana sanadihii u dambeeyey dawlado waxoogay ah ayaa bilaabay inay horumariyaan xidhiidh wada shaqayneed oo ay la yeelanayaan Somaliland. Itoobiya waxay ku lahayd xafiis wakiil ganacsi Hargeysa dhawr sannadoodba. Kenya-na mid bay ka furatay August.
Somaliland waxay leedahay dhuxul dhagax, saliid caydhiin iyo ilo dhaqaale oo kale oo dabiici ah ayuu u sheegay wasiirka maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale AP, laakiin buu yidhi waxay u baahan tahay khubaro caalami ah oo sahamisa.

“Maalgashadayaashu ma imanayaan sababta ugu yarina waa in aananu haysan aqoonsi diblomaasiyadeed” ayuu yidhi Ducaale, “Waxa aanu nahay dad, waxa aanu nahay dal, laakiin xaqiiqdii aragtida beesha caalamka ma jirno, lacag kama amaahan karno hay’adaha caalamiga ah, ma heli karno caawimo toos ah, baananka gaarka loo leeyahay ma imanayaan sababta oo ah ma haysano aqoonsi”.

Sida Geeska Afrika intiisa kale, Somaliland dhaqaalaheedu waxa uu si weyn ugu xidhan yahay dhoofinta lo’da, geela, riyaha iyo idaha, waxaanay ka heshaa 60% lacagta adag ee ay dunida wax kaga soo iibsato.

Waxa kale oo ay Somaliland lacagta adag ka heshaa xawaaladaha dadka Soomaalida ah ee debada. Waxaanu Ducaale ku qiyaasay inay sannadkii Somaliland loo soo diro $450 milyan oo dadka gobolka u dhashay u soo diraan qaraabadooda ku nool.

Cabdi Bader Cabdi waxa uu muddo toban sannadood ah sarifle ka ahaa Hargeysa wadooyinkeeda, waxaanu ku qiyaasay lacagta ay isaga iyo saaxiibadiisa sariflayaasha kale bedelaan maalintii $600,000 oo lacagaha qalaad ah. Waxaanu Cabdi oo faraxsani tibaaxay inay bedelaan Dollar Australia, Rubiga Hindiya, Shilling-ka Kenya, iyo lacago kale oo caan ah, sida dollarka Maraykanka iyo lacagta Yurub.

“Waxa aanu daawanaa TV-yada oo aanu ka baranaa qiimayaasha sida BBC-da, CNN-ta, Al-Jazeera, Euronews, waxa kale oo aanu ka daalacanaa Internet-ka” ayuu yidhi Cabdi.
Inkasta oo aanay indhaha caalamku u soo jeedsan, haddana waxa uu yidhi. “Qoladiinan weriyayaasha ahi waad timaadaan oo ka qaadataan nimankayagan lacagta dariiqa dhiniciisa ku sarifaya, laakiin weli aqoonsi kama aanu helin caalamka, siday u dhacday?”

Top


“Anaga Guddida Horumarinta Ee Ceerigaabo Nama Metelaan
Maadaama Aan Taladeedii Wax Saami Ah Nalaga Siin”
Maayarka Degmada Ceel-Afweyn

Warbixin - Qaybtii 2-Aad – Weriyaha Haatuf Ee Gobolka Sanaag

Magaalada Ceel-afweyn waxa ka muuqday isbedel weyn oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan xaga nabadgelyada, maamulka iyo horumarka.

Dadweynaha ayaa isugu xidhnaa si aad uga duwan sidii hore ay u ahaan jireen oo muujinaysay waayo-aragnimo iyo bisayl ay ka dhaxleen dhibaatooyinkii soo daashaday. Mudadii aanu joognay oo dhamayd laba caalamaal waxaan fursad u helay inaan la kulano maayarka magaalada Maxamed Cilmi Cali, wuxuuna ii sheegay in xaalada nabadgelyadu marayso meel aad u wanaagsan, falalkii dilalka ahaa ee ka dhacay Ceel-afweyn sanadkan in lagu guulaystay in la soo qabto gacan ku dhiiglayaashii geystay.

Dhinaca horumarka degmada isaga oo ka hadlaya wuxuu maayarku ii sheegay in hay’ada DRC ay balan-qaaday in ay degayso magaalada, isla markaana ay nogonayso hay’adii 1-aad ee ka hawl-gasha degmada Ceel-afweyn. Wuxuu kale oo i-soo tusay maxkamadii degmada iyo booliskii oo shaqaynaya.

“Anaga guddida horumarinta ee Ceerigaabo nama khuseeyaan, kana ogolaan mayno in ay Ceel-afweyn metelaan, maadaama aan taladeedii wax saami ah nalaga siin, Ismaaciil X. Nuurna ha ogaado in uu yahay maayarka Ceerigaabo” sidaa waxa yidhi maayarka degmada Ceel-afweyn oo aaminsan in guddiga horumarinta ooh ore loo diiday si qarsoodi ah u shaqayso.

Maayarku mushkiladaha degmada ugu waaweyn wuxuu ku tilmaamay dhinaca biyaha, wuxuuna sheegay in hay’ada UNICEF masuul ka tahay in dhibaatada biyaha wax laga qabto, arintii mashiinka biyaha ee ay cudur-daarka ka dhigan jirtay hay’adaasi waxa soo iibiyey dadka degmada u dashay ee ku nool qurbaha, D/hoosena wuxuu yidhi waxaa kaga baxa kharash ilaalinta qalabkaas ah.

Mudadii aanu joognay degmadaas waxa kale oo aan la kulanay maamulaha cusbitaalka Maxamed Cilmi Raage, wuxuuna sheegay in aanay jirin adeegyo caafimaad, cusbitaalkuna aanu lahayn shaqaale iyo daawo toona.

Tuulada Fadhi-gaab, waxaan kula kulmayo waayeel farabadan oo uu ka mid yahay Muuse Ismaaciil Ibraahim, waxayna cabasho weyn ka muujiyeen sida degaankoodu ay mar walba uga maqan yihiin kaalmooyinka samofalka iyo fursadaha shaqo ee ay hay’aduhu bixiyaan, waxayna sheegeen in ay gudoomiyaha gobolka Sanaag ay arkeen maalin kali ah oo uu la socday madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Degmada Gar-adag ayaa iyana waayeelkoodu muujiyeen cabasho taa la mid ah oo ay ku dhaliilayaan badhasaabka gobolka Sanaag oo aan marna-ba degaankooda iman.
“Badhasaabku mar uu wadadaa marayo oo uu na dhaafayo mooyee markale ma arag” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah koox dhalinyaro iyo waayeel isugu jirta oo aanu caweys dambe kula kulanay maqaaxi soo jeeday magalada Gar-adag.

Si kastaba ha ahaatee waxa xaqiiq ah oo dad badani rumaysan yihiin in badhasaabka gobolka Sanaag aanay damiirkiisa ka maqnayn in uu u shaqeeyo si u keenta in bulshada gobolku ku kalsoonaato, balse ay jiraan kooxo iyo caqabado u diidan ama ka hor-taagan inuu si habsami ah shaqadiisa u wato, kooxahaas oo tiirar adag ku leh caasimada Hargeysa, way adag tahay sida uu mar-qudha uga fara mudhaxsado. Waxaase wakhtigan la filayaa in xukuumadu badhasaabka u samayzso tiirar dawladnimo oo adag, waxaana waqtigan muhiim ah in ay gobolka tagaan wefti qaran oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha guduhu.

Wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo ayaa xiligii roobabka ay gaadiidku kala kulmeen dhibaatooyin aad u badan oo sababay in gaadiidka shixnadaha sidaa muddo bil ah ku xayirnaadaan dhiidhiga wadada, waxa kaloo mudadaa hakad galay ganacsigii oo awelba iska koobnaa ee ka dhexeeyey gobolka Sanaag iyo gobolada Somaliland.
Mashaariicda wadada lagu samaynayay oo ka socday laba dhinac, qaybta wadada ee laga bilaabay Ina Af-madoobe, waxa ka hawl-gashay shirkada ADCON oo wadatay qalab iyo injineero suurta-geliyey in wadada qaybta ay sameeyeen noqoto wada raandhus leh, iyada oo wada loo sameeyey meelo biyaha ka leexiya iyo moosas ka baariya biyaha xooga leh. Wadadan oo aan shaqadeeda hore uga sii socon halkii ay joogtay waxa shaqaalaheedu dib u habayn ku samaynayeen jiid balaadhan oo u dhexaysa degaanka Tuulada Qaasin-qodax ilaa iyo xayira.

Qaybta labaad ee wadada oo ka kala socotay magaalooyinka Ceerigaabo, Yufle, Kalshiika iyo Ceel-afweyn ma jirin wax shaqo ah oo iminka ka socotay, mashruuca qaybta wadadan oo ay wado hay’ada wadooyinka Somaliland wuxuu kaga duwan yahay qaybta hore ee aan soo sheegnay waxa shaqaaluhu isticmaalaan qalab gacmeed ay kamid yihiin majarafado iyo madaraqyo, arintaasina waxya sababtay intii ay wadada hagaajiyaanba in roobabku waxyeeleeyaan.

Wadadan oo hawlbawle u ah Somaliland, gaar ahaan gobolka Sanaag iyo Togdheer, waxa dadweynaha reer Sanaag aaminsan yihiin in aan loo hagar bixin wax ka qabashadeeda. Waxaana lagama maarmaan ah maadaama waqtigan ay soo kordheen xaalado iyo duruufo siyaasadeed oo khatar gelin kara jiritaanka Somaliland in sanadkan cusub ee 2007 xukuumadu ugu talo-gasho qorshe leh waqti mashruucan lagu dhameeyo. Haddii aan taa la helina marka laga tago istaraatijiyada guud ee laga leeyahay waxaa burburaya tacab iyo dhaqaale farabadan.

Top


Ciidamada Amniga Boorama Oo Labadii Habeen U
Dambeeyay Xoogga Saaray Amaanka Magaaladaas

Boorama, December 22, 2006 (Haatuf) – Ciidamada kala duwan ee ka hawlgala degaanka Boorama ayaa habeen hore raxan-raxan iyagoo ah ugu wareegayey magaalada Boorama, kuwa kalena la dhigay goobo muhiim ah taas oo loo qaadan karo xoojin dhinaca amniga ah oo aan waayadan dambe la arag.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, dadka habeen hore arkayey ciidamadaasi oo isugu jiray kuwa qaranka iyo kuwo ka socday la labada saldhig Bileys ee Boorama, ayaa u qaatay in la xoojinayo amniga magaalada oo labadii toddobaad ee ugu dambaysayba xaafado ka mid ah lagu sheegayey falal isugu jira budhcadnimo hubaysan iyo kufsi haatan Cusbitaalka Boorama ay u yaallaan laba gabdhood.

Falalkan budhcadnimada ah ee waayadan dhaweyd laga sheegayey xaafado ka mid ah magaalada ayaa la sheegayaa in kooxo sita hub fudud, ay habeenkii meelaha madow ee ka tirsan daafaha magaalada u joogsadaan dadka ka yimaadda suuqa ama ku socda halkaas oo ay kaga qaataan wax dadkaasi sitaan.

Dhinaca kale dad kale ayaa sheegay in xoojinta amniga magaalada ee habeen hore uu la xidhiidho socdaalka hawleed ee Taliyaha ciidanka qaranku Nuux Ismaaciil Taani, shalay galab ku yimi Boorama, halkaas oo sida la sheegay uu tan iyo habeen hore kulamo kala duwan la lahaa madaxda gobolka iyo saraakiisha ciidanka qaranka.

Taliyaha oo wata ciidan iyo gaadiid farabadan ayaa shalay gelinkii hore u ambabaxay dhinaca degaanada xeebta Galbeedka ilaa jiidda Lawyacaddo ee soohdinta Djibouti iyo Somaliland.

Inkastoo aanu taliyuhu ka warramin ujeedada socdaalkiisan, waxase dad badan oo la socda xaaladda dalku sheegeen in socdaalka taliyaha ciidanka Somaliland ee Galbeedku la xidhiidho xaaladda sii xumaanaysa ee ka dhex taagan Somaliland iyo Djibouti, halkaas oo ergeygii ama wakiilkii Somaliland ee dalkaa deriska ah loo sheegay inuu Djibouti kaga baxo 24 saacadood gudahood.

Top


Wafdiga Baarlamaanka Kenya Oo Shaaca Ka Qaaday
In Mooshin Ay Ku Taageerayaan Aqoonsiga Somaliland
Ay Ka Soo Jeedin Doonaan Golahooda

“Shaki nagagama jiro in Somaliland u qalanto aqoonsi, balse waxa jira aqoon la’aan caalamka iyo mandaqada ka haysata taariikhda qadiyadeeda”
“Waxaanu ku dedaali doonaa in Kenya caalamka iyo Afrikaba u horseedo Aqoonsiga Somaliland”
Mr. Paul Kabete Muite, Hogaamiyaha wafdiga Baarlamaanka Kenya

Hargeysa, December 22, 2006 (Haatuf) – Xubno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Kenya oo booqasho xaqiiqo-raadisa ku jooga dalka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in ay golahooda ka soo dhex jeedin doonaan Mooshin dawladda Kenya ugu baaqaya inay Somaliland u aqoonsato dal madax banaan.

Hogaamiyaha wafdiga Baarlamaanka Kenya, Mr. Paul Kabete Muite oo shalay khudbad ka jeediyay fadhi ay u dhan yihiin labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland oo ku qabsoomay xarunta Golaha Guurtida ee Hargeysa, ayaa si ballaadhan uga hadlay arrinta ictiraafka Somaliland, waxaanu yidhi: “Waxa jira dalal jecel inay ictiraafaan Somaliland, sida; Itoobiya, UK, USA iyo kuwo kale, balse ka gabanaya inay iyagu ugu horeeyaan, laakiin waxaanu ku dedaali doonaa in Jamhuuriyadda Kenya caalamka iyo mandaqadaba ugu horseedo aqoonsiga Somaliland.”

Weftiga Baarlamaanka Kenya oo maalintii dorraad ay dalka uga bilaabantay booqasho rasmiya, waxay kala yihiin Mr. Paul Kabete Muite, Mr. Oloo Oringo, Mr. Maoka Maore (Ntonyiri), Mr. Patrice Ivuti (Kitui South) iyo Mr. Jimmy Choge (Aldai), kuwaas oo laga soo doorto degaano kala gedisan oo ka mida dalka Kenya, isla markaana ka soo kala jeeda axsaabta kala duwan ee ka dhisan dalka Kenya.

Xildhibaanada weftigan waxa weheliya Prof. Anyoti oo ah khabiir ku xeel-dheer arrimaha sharci dejinta, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Yugandha, Mr. Aadan Macalin Cabdillaahi oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Kenya iyo Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil oo isaguna ka tirsan Barnaamijka Nepad ee Midowga Afrika.
Waxa si diiran xubnaha weftiga Baarlamaanka Kenya ugu soo dhaweeyay Madasha fadhiga gudoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo madaxda kale ee labada gole.

Madaxa wafdiga Baarlamaanka Kenya Mr. Paul Muite waxa uu khudbadii fadhigaasi ka jeediyay ku bilaabay “Hadaan iskiin baro xubnaha weftiga Baarlamaanka Keyna ka socda ee aan hogaaminayo, waxay kala yihiin, Mr. Oloo Aringo, Mr. Maoka Maore, Mr. Patrice Ivuti iyo Mr. Jimmy Choge. Waxa kaloo ka mida Prof. Anyuti waana nin Looyara oo aqoonyahana, isla markaana ku takhasusay arrimaha sharci dejinta, waana nin u dhashay dalka Ugaandha, Mr. Aadan Macalin Cabdillaahi waxa uu ahaa Mudane ka tirsanaa Baarlamaanka oo ka meteli jiray degaanka Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, imikana waxa uu helay xubin sharaf ka tirsan Beesha Isaaqa, Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, waa dhaqaalayahan ay awoowyaashiisii hore ka tageen dalkan Somaliland, haddana waxa uu madax ka yahay hay’adda Neppad ee isu soo dhaweynta dadyowga iyo dawladaha Midowga Afrika.

Wafdigan Baarlamaanka Kenya ka socdaa dhammaantood waxay ka wada tirsan yihiin axsaabta siyaasiga ah ee ka wada dhisan dalka Kenya, waana wefti rasmiya oo ka socda Baarlamaanka dalka Kenya, ujeedadayaduna waa inaanu xaqiiqo-raadin ku soo samayno xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, kadibna ay warbixin dhammaystiran uga diyaarin lahaayeen aqoon-darrada iyo jahliga ku sugan caalamka iyo dalalka deriska idinla ahba ee ku saabsan Somaliland waxay tahay iyo halgankii ay soo martay, in Somaliland ay ahayd Maxmiyad Ingiriisku xukumi jiray oo iyadu ay iskeed ugu biirtay. Annaga shaki nagagama jiro in Somaliland ay u qalanto in loo aqoonsado dal gaara, balse mugdibaa taariikhda Somaliland kaga jira, xataa dhibaatadii badnayd ee idin soo gaadhay iyo dulmigii badnaa ee loo geystay dadka reer Somaliland oo aanu shalay ku soo aragnay meelaha lagu xabaalay dadkii lagu xasuuqayba, aanay dad badaniba war u hayninba, daraasad ballaadhan iyo fahamsiin dheeraada ayay caalamku uga baahan yihiin arrimahaasi idin soo gaadhay, wakhtigii xoraynta dalka, iyadoo aqoon darro caalamka ka haysato taariikhdiina ay jirto. Waxaanu kulano la yeelanay Madaxweynaha, Shirgudoonada labada aqal baarlamaan, wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxaananu u hawlgeli doonaa inaanu xogaha aanu idinka helno aanu u gudbino dawladayada iyo caalamkaba iisla markaana aanu muujino xaqa ay Somaliland u leedahay in la aqoonsado ururka Midowga Afrika, sharciyada iyo xeerarka u yaala. Waxaa ka mid ah inaan xuduudihii laga dhaxlay gumaystayaasha aan la bedelin, arrintaas oo ay inta badan ku horjoogsadaan xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsiga. Waayo, Somaliland xuduudo gaar ah ayay lahayd, waanay soo ceshatay mana aha xaqeeda in khilaaf iyo jahawareerin la geliyo, midnimadii ay Somaliland la gashay Soomaaliyada kale lama marin sharciyadii, habkii lagu midoobayayna may khusayn, sharciyana marka la eego midowgii Somalia iyo Somaliland dhexmaray sharciyanba muu ahayn, mid jirayna muu ahayn, Somaliland xaq bay u leedahay inay dhib u soo cesheto madax banaanideeda. Runtiina waxaanu aad ugu faraxsannahay halgankii ay Somaliland u soo martay xoriyadeedii iyo sida ay haykalka dawladnimo u dhisatay iyadoon beesha caalamka taageero ka helin, waana tallaabo ku dayasho mudan oo aanu taageersannahay.

Waxa loo baahan yahay in la xoojiyo dedaalada dhinaca xukuumadda, inta badana maamulka dawligu inuu ka fiirsasho badan la yimaado oo aanu hore ugu dhiiranin inuu ku dhaqaaqo waxa uu aaminsan yahay. Waxaan tusaale idiinku soo qadanayaa dalwaddaha Itoobiya, UK, USA iyo dawlado badan oo kale oo aaminsan qadiyaddiina, laakiin hadddana aan ku dhiiranayn inay aqoonsigiina ku hor dhawaaqaan.

Annagu marka aanu noqono waxaanu idiin balanqaadaynaa inaanu warbixin dhammaystiran ku xusi doono taariikhdiina iyo sida aad wax u qabsateen. Dad badan oo caalamka iyo mandaqada ah ayaa jira oo aqoon la’aani ka haysato qadiyadiina oo aanu ka dhaadhicino, mooshinkaasina uu dhaliyo inaanu dood (debate) ka furno baarlamaanka kuna soo dhawayno in arrinta Somaliland mawqif laga gaadho, qaraarka uu goluhu ansixiyana ay ahaato in dawladda Kenya ay aqoonsiga Somaliland hormood ka noqoto, Somaliland oo la aqoonsadaana dan bay u tahay deganaanshaha iyo horumarka Geeska Afrika oo dhanba, waxaanay u sahlaysaa in mucaawinooyin ay beesha caalamka ka hesho, arrimaha nabadgelyadana ay ku sii xoojistaan.

Anigoo ku hadlaya magaca weftiga baarlamaanka Kenya, waxaan doonayaa inaan marti-qaad u fidiyo xubno ka tirsan labada gole baarlamaan ee Somaliland inay booqasho ku yimaadaan dalka Kenya.

Waxaan ka codsanayaa gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo mudanayaashaba in aynu isku taagno hal daqiiqo inagoo ku xusayna halgankii balaadhnaa ee dalka loo soo galay ee naf iyo maalba ay u horeen dadka reer Somaliland,” ayuu yidhi Professor Paul Muite.

Intaa kadib waxa halkaasi xubnaha weftiga baarlamaanka Kenya su’aalo ku weydiiyay laba mudane oo ka kala tirsan labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada.

Ugu horeyn Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka tirsan golaha Guurtida oo halkaas ka hadlay ayaa mahadnaq u jeediyay weftiga baarlamaanka Kenya, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Waxaanu idiinka mahadnaqaynaa booqashada aad noogu timaadeen iyo sida aydin noo soo sharafteen, martiqaadka aydin u soo jeediseen labada gole Baarlamaanna waanu idiinka mahadnaqaynaa, ictiraafka aad carabka soo mariseen, maahmaah baa tidhaahda nin ooman hoo biyaha uun baa deeqda, xaaladaha colaadeed ee ka socda Soomaliyana anaga iyo idinkaba way na soo gaadhi kartaa fidmada halkaa ka socota, wada-hadaladii nabadeed ee u qabateen kooxaha Soomaaliya waad ku mahadsanaydeen, balse waxa ka dhinaa nabaddu albaab laga galo ayay leedahay, albaabka iyo daaqaduna waa kala laba, albaabkii baan laga gelin. Idinka iyo dawladihii idinka horeeyayba, nin waalan tolkiibaa u miyir qaba ay Soomaalidu tidhaahdaaye, waxaanu idinka codsanaynaa idinkoo xog ogaala in aqoonsiga Somaliland ay dawladiina Kenya ku dhiirato, ayaanu idinka rabnaa, waayo Itoobiya mashaqada Soomaaliya ayay maanta ku mashquulsan tahay oo uma gacan banaanna, dawladdiinu ictraafka Somaliland sidii ay ugu dhiiran lahayd ayaanu marti idiinka nahay, madaxweynaha iyo shicibka dalka Kenyana salaam naga gaadhsiiya.”

Dhinaca kale Xildhibaan Ikraan Xaaji Daa’uud Warsame oo iyaduna su’aal ku weydiisay weftiga fadhigaasi ayaa ku bilowday su’aasheedii; “Waxaan weftiga Baarlamaanka Kenya weydiinayaa waxa weftiga loogu soo dari waayay haweenka Baarlamaanka dalka Kenya ku jira oo tiradoodu tahay 8 xubnood, arrintaasi maxaa sababay in weftigu wada noqdo xubno ragga,” ayay tidhi Xildhibaan Ikraan.

Intaa kadib, Professor Paul Muite oo ka jawaabaya su’aalahaasi la weydiiyay, ayaa yidhi: “Run ahaantii annagu waxaanu isku dayi doonaa sidii aanu xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalkiina ugu gudbin lahayn dawladayada iyo baarlamaankaba, uguna bandhigi lahayn xaqa ay Somaliland u leedahay in la aqoonsado. Ta kale golaha Baarlamaanka Kenya saami gaara ayay ku leeyihiin haweenku, qorshahayagana way noogu jirtay in xubno haween ahi ay weftigaygan ka mid noqdaan, hase yeeshee xildhibaanadii weftigaygan ku qornayd cudur-daar ayay yeelatay la xidhiidha iyadoo umushay, sidaa darteedna arrintaas awgeed ayay noo soo raaci kari wayday, dawladayada iyo baarlamaankuba haweenka xuquuq ballaadhan ayay siiyaan iyo mudnaan gaar ah, wixii imika ka dambeeyana wefti ballaadhan oo rag iyo haween iskugu jira ayaanu ku iman doonaa.”

Geba-gebadii fadhigaasina waxa erayo mahadnaqa xubnaha weftiga baarlamaanka Kenya uga soo jeediyay gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo sheegay in weftiga ay uga mahadnaqayaan booqashada ay dalka ku yimaadeen iyo sida ay ugala soo qayb-galeen fadhiga wada-jirka ee labada gole baarlamaanba.
 

Top


Wakiilkii Somaliland Ee Djibouti Oo Sheegay In Lagu Amray
Inuu 48 Saacadood Dalkaas Kaga Baxo, Xafiiskana Ku Xidho

Hargeysa, December 22, 2006 (Haatuf) – Wakiilkii Somaliland u joogay dalka djibouti Rashiid X. C/laahi ayaa sheegay in dawlada Djibouti ku amartay inuu dalkeeda kaga baxo 48 saacadood gudahood, kuna xidho xafiiskiisa Somaliland ee ku yaal magaalada Djibouti, sidaasna uu halkaas kaga soo baxay, wakhtigii loo qabtayna uu ku soo xidhay xafiiskii dawlada Somaliland, waxaanu wakiilka ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo sababta ku kaliftay dawlada Djibouti inay falka noocaas ah ku kacdo.

Sidaana waxa uu wakiilku u sheegay wariyeyaal Haatuf ka tirsan oo shalay barqadii kula kulmay gurigiisa uu degan yahay ee magaalada Hargeysa inyar ka dib markii uu madaarka Hargeysa ka soo degay, waxaanu si gaaban u yidhi wakiilku “48 saacadood gudahood ayay Djibouti igu amartay inaan dalkooda kaga baxdo xafiiskan ku xidho, waanan fuliyey arintaa, sababteedana wax faahfaahin ah kama bixinayo wixii ay ka dhalatay, aniguna markaana dalka imaado ma ahi safiir ee waxaan ahay shaqaale wasaarada arimaha dibada ee Somaliland ka tirsan oo wax war ah ma bixinayo ilaa aan u waramo wasiirkayga iyo madaxweynaha Somaliland, arinta warkeedana waxaa ilaa sabtida idiinka warami doona wasiirka arrimaha dibada oo shir-jaraa’id saxaafada oo dhan u qaban doona”.
Lama garanayo waxa sababay in wakiilka Somaliland laga soo eryo Djibouti, balse waxa la rumaysan yahay inay talaabadan Djibouti daba socoto, ka dib markii ay dawladda Somaliland todobaadkan xayirtay laba markab oo adhi ka qaadayey dekedda Berbera, kuwaasi oo doonayey inay sii maraan Djibouti, balse markii ay dawladda Somaliland ka war heshay in laba markab oo hore adhi uga qaaday dekedda Berbera ay ku dejiyeen Djibouti, taasina ay sababtay xayiraadan dambe.

Xukuumadda Djibouti ayaa beryahanba waday qorshe ay doonayso inay xoolaha Geeska Afrika kaga dhoofiso dekedeeda, iyada oo heshiis caynkaasi dhigaya la gashay boqortooyada Sucuudiga, isla markaana ay haatan wado in adhiga Geeska Afrika oo dhan la iskugu keeno Djibouti, ka dibna loo diro Sucuudiga, balse xukuumadda Somaliland ayaa taasi diiday oo ku dacwiday in aan adhi inta laga qaado Berbera la marin karin Djibouti, haddii aan Sucuudiga toos loo geynayna aanay ogolaanayn, taasi oo ay ku macneeyeen cawaaqib xumada ka dhalan karta mustaqbalka.

Maaha markii ugu horeysay ee ay dawladda Djibouti wakiilka Somaliland ka caydhiso dalkeeda, balse waxa ay ahayd bishii May ee sannadkii 2000, markii ay muddo 24 saacadood ah gudahood dalkeeda kaga saartay wakiilkii hore ee Somaliland u joogi jiray Djibouti Cumar Dheere, waqtigaasi oo ay Djibouti waday qaban qaabada shirkii Carta ee ay dawladdii Carta ugu soo dhistay Somalia, xilligaasi oo Somaliland laga soo celiyey wefti arrintaasi u socday oo doonayey inay booqasho ku yimaadaan.

Sidoo kale, waxa ay Djibouti dhawaan dalkeeda u diiday inay galaan oo ay madaarka ka soo celiso mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo doonayey inay ka qayb galaan aaska madaxweynihii hore ee Djibouti Xasan Guuleed Abtidoon oo dhawaan lagu aasay Djibouti.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland ayaa hore uga celisay diyaarad sida wefti ka socda Djibouti oo doonayey inay ka qayb galaan aaska madaxweynihii hore ee Somaliland 6 May, 2002.

Iyada oo aanu xidhiidhka labada dal ilaa waqtigaasi wanaagsanayn ayaa markii ugu horeysay ee uu madaxweyne Rayaale awooda la wareegay waxa uu booqasho ku tegay Djibouti, isla markaana intii waqtigaasi ka dambaysay madaxweyne Rayaale oo difaaci jiray xidhiidhka ay xukuumadiisu la leedahay Djibouti, isaga oo marar dhawr ahna warbaahinta dalka ku canaantay inay wax ka sheegaan dalka Djibouti oo ka mid ah wadamada Somaliland aqoonsiga ka sugayso, hase yeeshee mucaaradka Somaliland iyo jaraa’idka Somaliland ayaa iyagu marwalba arrintaasi ka soo horjeeday.

Dawladda Djibouti ayaa iyadu marwalba ka soo horjeeda madax banaanida Somaliland, isla markaana taageerta midnimada Somalia, iyada oo uga cabsi qabta in Somaliland oo noqota dal la aqoonsan yahay ay kula tartanto ganacsiga gobolka dekeda Berbera, halka uu Jamhuuriyadda Djibouti dhaqaalaheedu ku xidhan yahay dekedda oo aanay lahayn il kale oo dhaqaale marka laga yimaado ciidamada ay dalkeeda ka kirayso ee reer galbeedka.

Waxa kale oo ay beryahan dambe dawladda Djibouti si weyn ugu milantay, kooxaha Maxkamadaha ee Muqdisho, iyada oo ka mid ahayd wadamadii lagu sheegay inay Somalia hub u direen warbixintii ay dhawaan soo saareen guddida la socodka xayiraadka hubka ee saarnayd Somalia.

Top


Dagaalo Ba’an Oo Maalintii Saddexaad Ka Socda
Agagaarka Baydhabo Iyo Wararkii U Dambeeyay

Muqdisho, December 22, 2006 (Haatuf) – Maxaakiimta Muqdisho ayaa sheegtay in ay guul balaadhan ka soo hooyeen dagaalo ba’an oo maalintii labaad ka soconayay agagaarka magaalda Baydhabo ee fadhiga dawladda ku meel gaadhka ah ee Somaliya.
Maxaakiimta Muqdisho ayaa shalay markii u horaysay sheegay in ay qabsadeen deegaanka Idaale ee gobolka Baay sidoo kalana ay sheegeen inay guul balaadhan ka gaadheen degaanka Daynunaay ee isla gobolka Baay.

Sidaana waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay masuuliyiinta maxaakiimtu ku qabteen shalay galinkii dambe magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta Maxaakiimtu waxay sheegeen in ay dhanka ciidamada Dawladda ku meelgaadhka ah ay gaadhsiiyeen khasaare balaadhan isla markaana ay baacsadeen waxa uu ugu yeedhay ciidamada Itoobiyaanka ee ay is hayaan.

Ninka loo magacaabay afhayeenka ciidamada maxaakiimta Sh. Shukhri Abu Zeynab kana mid ah masuuliyiinta sarsare ee golaha maxaakiimta ayaa sheegay in ay dileen 203 askari oo sheegay in ay Itoobiyaan yihiin, isaga oo intaasi ku daray in tirada ay ka dhaawaceen ay intaa ka badantahay.

Abu Saynab waxa uu ku sheegay khasaaraha xagooda ka soo gaadhay dagaalkan in yihiin 20 askari oo uu sheegay in ay shihiideen halka ay 60 askari oo kalana kaga dhaawacmeen dagaalkaasi. Deegaanka Iidaale oo uu sheegay in uu ahaa meeshii ay ciidamada Dawlada iyo kuwa Itoobiyaanka ahi kaga soo duuleen Shalay oo ay gacanta ku dhigeen ciidamadoodu una sii dhaafeen Iidaale dhinaca Baydhabo oo ay u jiraan 5 Km.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay maxaakiimtu sheegteen in ay halkaa kaga qabsadeen dhinaca kale hub fara badan oo iskuugu jira hubka fudud iyo ka culus.

Mr. Shukri waxa uu beeniyay warka sheegayay in dagaalkaa lagaga qabsaday maxaabiis, waxa kale oo uu sheegay in shalay dagaal culusi ka dhicin deegaanka Daynuunaay balse ay jireen dagaalo goos goos ah oo la isku adeegsanayay madaafiicda goobta iyo hoobiyaal.

Dhanka kale Dawladda Mbagathi ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo ayaa iyaduna xageeda sheegatay in ay ka gaadhay dalaalada maalintii saddexaad fooda la galay ee ka soconaya gobolka Baay ee Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay xukuumadda Embagathi oo lagu magacaabo Maxamed Deeq Cabdi Qaadir ayaa sheegay in dagaal qadhaadhaa oo shalay ka dhacay deegaanka Diinsoor ay kula wareegeen gacan ku hayntii dhulkaasi isla markaana ay guulo ka soo hooyeen dagaalo ay maleeshiyada maxaakiimta kula galeen Buur-hakaba.

Dawladda ku meel gaadhka ah ayaa ku eedaysay in ay ciidamada maxaakiimtu ku soo duuleen fadhiisimadii ciidamada dawladda iyaguna ay iska difaaceen, sidoo kale waxa ay beeniyeen in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo ka garab dagaalamaya.

Dhinaca kale wararka ka imanaya gobolka Jubooyinka Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaas ay ka socoto isdiiwaan galin ay wadaan dad mutadawiciin ahi, dadkan ayaa waxa lagu diiwaan galinayaa sida ay sheegayaan wararka halkaa ka imanayaa xarumaha ay Maxaakiimtu halkaa ku leeyihiin, dadkaasi ayaa sheegay in ayka qayb galayaan waxa ay ugu yeedheen dagaal jihaad ah oo lagula jiro dawladda Itoobiya. Dadka ku dhaqan deegaanada Af-madaw iyo Dhooblay ayaa la sheegay in ay ku qulqulayaan meelaha dadka laga diiwaan galinayo.

Magaalada Muqdisho ayaa iyana waxa si weyn looga dareemayaa abaabul dagaal oo ay wadaan maxaakiimta islaamigu, waxa daqdhaqaaqyo badan laga dareemayay xarumaha ciidamada maxkamadaha, Saldhigyada iyo isgoysyada ayaa lagu arkayay cutubyo ciidamo aad u hubaysan oo goobahaa gaaf wareegaya, waxa kale oo laga dareemayay dhaqdhaqaaqa kaalmaha shidaalka oo lagu arkayay gaadiidka maleeshiyaadka maxaakiimta oo qaadanaya shidaalka isla markaana maleeshiyaadkan ayaa dadka ku baraarujinaya in ay ka qayb galaan dagaalka.

Dhanka kale magaalada Baydhabo ayaa la sheegay in dagaalkan oo ka qarxay dhul aad ugu dhow ayay dadku waxa aad u hadal hayaan, qaraxa madaafiicda ayaa laga maqlayay daafaha magaalada Baydhabo haddana sida ay wararka ka imanaya Baydhabo sheegayaan waxa sidiisii caadiga ahaa u socda ganacsiga magaaladaasi oo aanu dagaalku saamayn weyn ku yeelan dhinacyda bulshada
Maxamuud Sh. Ibraahim Suuleey ayaa sheegay oo ka mid ah masuuliyiinta golaha maxaakiimta Muqdisho ayaa ku eedeeyay dagaalka in ay Itoobiya soo qaaday iyada oo uga dn leh in aanay siyaasadda Soomaaliya waligeed cago isku taain, isaga oo sheegay in ay Itoobiya markii horana ka mid ahayd dawladihii burbuiyay dawladdii Soomaaliya, waxa kale oo uu sheegay in ay dagaalka ku soo beegtay xili uu dalka ku soo jeeday ergay ka socday Midawga Yurub oo dadaal ugu jira in xal loo helo arimaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale wasiir Ku xigeenka Gaashaan dhiga ee Xukuumadda Baydhabo Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in ay la dagaalamayaan ciidamo argagixiso ajaanib ah khasaare ba’ana soo gaadhsiiyeen, isaga oo sheegay in ay wataan ciidamadan maxaakiimta rag ajaanib ah isaga oo tusaale u soo qaatay in deegaanka Diinsoor dagaalka uu u hogaaminayo maxaakiimta nin Suudaani ah oo lagu magacaabo Cabdalla Suudaani halka aaga Daynuunaay uu hogaaminayo nin bagistaani ah oo lagu magacaabo Gacamay iyo Nin Eritrean ah oo jooga Bandiiradlay ee gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in sidoo kale cabsi weyn laga qabo dagaalo ka dhaca deegaanka Bandiiradlay ee gobolka Mudug iyo gobolka iiraan. Waxa dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoogan laga dareemayaa meelo ka mida gobolada dhexe ee Soomaaliya oo ay isku horfadhiyaan ciidamada maxaakiimta iyo qaar ka mida qabqablayaashii dagaalka ee laga soo saaray magaalada Muqdisho oo ay kaabayaan ciidamo Itoobiyaan ah. abaabulka dagaala ee ay wadaa dhinacyada iska soo horjeeda ayaa waxa si weyn looga dareemay magaalad Belad weyn oo ay masuuliyiinta ciidamada maxaakiimtu abaabul xoogan ka wadaa, waxa iyana la sheegay in ay iyana abaabul dagaal ka wadaa tuulada Qura-joome M/dheere iyo Cabdi Qaybdiid oo kaashanaya ciidamo Itoobiyaan ah.

Dagaalkan ka qarxay Soomaaliya ee u dhexeeya Maleeshiyaadka Maxaakiimta iyo Dawladda Embagathi oo ay taageerayaan Ciidamo Itoobiyaan ahi ayaa waxa laga cabsi qabaa in uu ku fido dahaam mandiqadda geeska Africa. Hadii aan si dhakhso ah loo joojin xabadda dadaaladii xagga wada hadalada ee u dhexeeyay Kooxaha Soomaaliyana aan si dhakhso ah loo soo celin.

Top


Guddoomiyaha Gobolka Awdal Oo Iska Daafacay
Eedeymo Kaga Yimi Mid Ka Mid Odayada Reer Boorama

Boorama, December 22, 2006 (Haatuf) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi ayaa iska leexiyey eedeymo uu u u soo jeediyey mid ka mid ah odayaasha Boorama oo ku eedeeyey in guddoomiyaha gobolka isaga iyo beesha uu ka soo jeedaba uu ku hayo cagojuglayn iyo caddaalad darro.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, eedeymahaasi oo lagu baahiyey wargeysyada dalka qaarkood, ayaa jawaab uu Guddoomiyuhu ka bixiyey arrintaasi ku sheegay in eedeymaha ninka lagu magacaabo Barkhad u soo jeediyey ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin, isla markaana uu Barkhad Cumar ku doonayo inuu kaga baxsado dembiyo uu ka galay maamulka dawladda iyo dadweynahaba.

Guddoomiyaha oo ka warramayey arrintaasi ayaa waxa kale oo uu yidhi: “Aad baan uga xumahay in nin oday ah, kana mid ah masuuliyiinta xisbiga haya talada dalka e UDUB ee gobolka Awdal, u sheegto in dembi laga galay, mana aha hadallo nin masuul xisbi ahi uu ku hadlo. Waxaan Barkhad ka saamaxnay dembiyo uu shicibka ka galay oo uu si been lacag uga urursaday, waxan ognahay hawlaha isku-dirka shicibka walaalaha ah ee ku wada nool magaalada uu ka qayb qaato, waxana ugu dambaysay dembiyada uu shicibka ka galay isagoo diiday in jid isku xidha Baki iyo Boorama la soo mariyo meel u dhaw beertiisa oo ku taal Cammuud. Wuxuu diiday inuu maqlo taladii odayaashiisa iyo tii dawladdaba isagoo weliba dhul aanu lahayn sheegnaya, hay'addii Jarmalka ahayd ee jidkaasi dhisaysayna Dawladda u sheegtay in haddii meel la mariyo jidkaasi loo waayo Boorama ay shaqada joojin doonto.

Dhinaca kale waxa la yaqaannaa in qof kasta oo aan kalsooni isku qabini uu qabiil dabada geliyo isagoon qabiilkaasi waxba ugu fillayn, tolkiina way yaqaannaan waxana ay ka raalligeliyeen aniga iyo maamulka dawladdaba waxa uu Barkhad ku hadlay. Aniga dadku way ii siman yihiin, laakiin maamulka dawladdu ma oggola in cid kasta oo danta guud burburinaysa loo raaco tiisa kamana yeelaynno mansab kasta haka hayo gobolka, ama beeshiisaba eh, sidaa darateed baanay u jirin cid shakhsi ahaan iyo beel ahaantoona loogu beegsado dembiyo aanu lug ku lahayn.”

Top


Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Oo Ganaaxii Ka
Qaaday Shan Orad-Yahan

Hargeysa, December 22, 2006 (Haatuf) – Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland ayaa ku sheegay warqad ay xalay soo gaadhsiiyeen wargeyska Haatuf in ay ganaaxii ka qaadeen shan orod-yahan oo hore loo saaray ganaaxyo kala duwan ka dib markii ay dhowaan raali galin buuxda u gudbiyeen xidhiidhka.

Warqadda ganaax ka qaadista ahina waxa ay u qornayd sidan.
“Waxa dhamaan orod yahannada magacyadoodu hoos ku quran yihiin lala socod siinayaa in laga qaaday gacaaxii ka saarnaa ciyaaraha ka dib markii ay orodyahanadaasi raali galin buuxda ka bixiyeen fafkii ay gaystee.

Sidaa daraadeed gudiga anshaxa iyo dacwadaha xidhiidhka ciyaaraha fududi waxay isla garteen in laga qaado ganaaxi kala duwanaa ee saarnaa ka dib markii aanu eegnay qodobka 17-aad ee xeerka anshaxa xidhiidhka ciyaaraha fudud.

Agaasime waxaanu halkan kuugu sheegaynaa in aanu ka qaadnay ganaaxii saarnaa dhamaan orod yahanada magacyadodu halkan ku xusan yihiin, waxaanu se ka xunahay in aanay dhamaan orodyahannadani ka qayb qadan doonin orodka Hargeysa Cross Cuntry oo maanta ka dhacaya galinka dambe caasimadda Hargeysa ka dib markii qaban qaabada iyo qorshaha orodkani ka horeeyay mudada ganaax ka qadista.

Ganaax ka qaadistani waxa dhaqan galaysaa 27/12/2006, waxa kaloo muhiim ah oo lala socodsiinayaa dhamaan orod-yahanadan in hadii ay mar kale ku kacaan falal ashaxa iyo xeerka ciyaaraha fudud ka soo horjeeda aan mar dambe gaanaaxa la saaro laga qaadi doonin.”

Magacyada Orod-yahannada ganaaxa laga qaaday
1. Muxiyadiin Rooble Xassan,
2. Cabdi Qaadir Abiib Xuseen,
3. Mustafe Cabdi Xadi,
4. Axmed Maxamed Ibraahim,
5. Siciid Mire Yoonis

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA:
Dawladda Ayaa Ogolaatay In Hantidayadii La Dhaco

Anaga oo ah caruurtii agoonta ahayd ee uu ka tagay Muj Adan Dhamac Diiriye Alla haw naxariistee waxaanu halkan ka cadaynaynaa in gurigii dawladda ee aanu ku jiray si xooga uu nin xamar ka yimid nagaga qaaday markii uu abahayo geeriyooday saddex sano ka hor ilaa mudadaana aanu daba taagnayn si aanu u helo gurigaas maadaama oo uu abahayo ahaa mujaahid markii dambana uu ka tirsanaa ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ka dambeeyay arinta boobka cad ah ee loo gaystay gurigii dawladda ee aanu daganayn ee ay alaabtu noo dhextaalay dawladda gaar ahaan wasiirkii hore ee arimaha gudaha Ismaaciil Adan Cismaan, saddex sano iyo badhbaanu hadlaynay oo aanu lahayn anagaa xaq u leh guriga e Nasiiya. Mujaahid u soo halgamay dalkan ayaa ubadkiisii uu ka geeriyooday laga saaray nin xamar ka yimidna waa lagu sharfay aqalkii oo ay ka buuxdo alaabadayadii aanu anagu lahayn oo aanan shayna ka qaadan. Markii aanu ninkaa ku nidhi aqalka anagaa daganayn oo alaab tiibaa noo taala ee nooga bax wuu nala dagalamay alaabtii agoonta mujaahidkuna sidaasay ugu maqantahay. Waxa aanu u dacwoonay wasiirka Diinta iyo awqaafta si aanu ula socod siino xoolaha agoonta ee xooga lagu haysto ilaa haddana wax jawaab ah kamaanaan helin.

Inta aanu hadlaynay xukuumadu way naga indha qarsatay iyada oo og in xoog naloo sheegtay, waxa aanu aaminsanahay in uu markii hore Abahay ahaa Mujaahid naftiisa u hurayay xorayntii Somaliland markii uu dhintay laakiin lagu tiriyay in uu ahaa faqash, sidaa daraadeed ay xukuumadu raali uga noqotay in ubadkiisii la dhaco, musharkii uu ka qaadan jiray ciidanka qarankana la jaro ama cid kale loo leexiyay, markii aanu doonanayna nalagu yidhi liiska ciidankaba kuma jirin oo askariba muu ahayn tiyooy markhaati ka yihiin arintaa dad badan oo ay isku ciidan iyo asxaaba ahaayeen marxuumka.

Hadda gurigii nalaga qaaday ee ay hantidayadii ku maqnayd waxa laga iibinayaa Haayad oo waxa iibinaya wasiirka hawlaha guud isaga oo ninkii nadhacayna kula heshiiyay.
Haddaba ugu dambayn waxaanu xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa in ay arintan si deg-deg ah wax uga qabato inta aanay talo fara ka haadin, hadii ay dawladu si dhakhso ah wax uga qaban weydo cabashadayada wixii cawaaqib xumo ah ee halkaa ka yimaada iyadaa ka masuul ah.”

Mujaahid Adan Dhamac Diiriye waxa uu ka mid ahaa ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ku geeriyooday cusbitaal ku yaala Magalada Jidda ee dalka boqor tooyada Sucuudiga oo caafimaad loo geeyay 2003-dii. Guriga uu degenaa waxa uu ahaa mid ka mida guryaha dawladda ee xaafadda Shacabka gaar ahaan guriga ka soo horjeeda UNICEF dhinaca waqooyina kaga beegan guriga uu daganyahay madax weyne ku xigeenku.

Top