Dacwada Rayaale Vs Haatuf Iyo Fadhigii Shalay Ee
Maxkamadda
BADHEEDHAHA: Lugtii Jeeni Dhaaftaa Way
Jabtaa
“Maxaa Sool Iyo Sanaag Bari Laga
Sheegayaa Hargeysaa
Badh Maqan Yahaye”
Taliyaha CID-da Oo Amar Jeebkiisa Ah
Ku Xidhay Nin Booqday Masuuliyiinta Haatuf Ee Halkaasi Ku Xidhan
Ururada Xuquuqda Aadamaha Oo Walaac Ka
Muujiyay Markii Loo Diidday Dhegaysiga Dacwada Haatuf
Ururada Saxaafadda Somaliland Oo
Walaac Ka Muujiyey Ku Dhaqanka Xeerka Ciqaabta Oo Loo Adeegsado
Warbaahinta Madaxa Banaan
Dareenada Mudanayaasha Wakiiladu Ka
Bixiyeen
Xadhiga Masuuliyiinta Haatuf
Khasaaraha Weeraradii Maraykanku Ku
Qaaday Somalia
Furaha Quluubta
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ka Quusta
Somaliland Ama Xorriyada Hadalka U Halgama
Ina Sulub Ceebtii Maahee, Waa
Caadadii
Muj. Xasan Aw Cali
|
|
Dacwada Rayaale Vs Haatuf Iyo
Fadhigii Shalay Ee Maxkamadda |
- Garsooruhu wuxuu diidday codsigii
Qareenada Haatuf in Dacwada loo maro xeerkii Saxaafadda ee Somaliland
waxaanu ku adkeystay Xeerkii Ciqaabta ee Somalia
- Waxyaabaha Haatuf Lagu Eedaynayo Waxa ka mid ah Kartoon Rayaale ah oo
sankiisa la dheeraysiiyay
Hargeysa, January 14, 2007 (Haatuf) – Garsooraha Maxkamadda Gobolka
Hargeysa, Faysal Cabdillaahi, oo gacanta ku haya dacwada uu dhibanaha ka
yahay Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ee lagu soo oogay
saddex ka mid ah hawl-wadeenada Wargeyska Haatuf, ayaa shalay daadefeeyay
is-hortaag (objection) ay Qareenada Haatuf ku diiddanaayeen in dacwadaha
ka dhanka ah Haatuf loo maro xeerkii ciqaabta (Penal code) ee Somalia
maadaama uu dalka Somaliland leeyahay Xeer Saxaafadeed oo labada gole ee
Baarlamaanku ansixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexay.
Shalay oo uu qabsoomay fadhigii labaad ee dacwaddan, Garsoore Faysal
Cabdillaahi wuxuu ku adkaystay in dacwadda loo maro xeerka ciqaabta ee
Somalia, kaas oo ay Xeer-ilaalinta Somaliland u cuskatay in lagu dabbaqo
eedaha loo soo jeediyay masuuliyiinta Wargeyska ee kala ah Gudoomiyaha
Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, Tifaftiraha Haatuf Cali Cabdi Diini iyo
Weriye Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.
Xeer-ilaalintu waxay Cali Cabdi Diini iyo Maxamed-rashiid Muxumed Faarax
ku soo eedaysay inay wada-jir u galeen dambiyada kala ah; waxyeelaynta
sharafta Madaxweynaha Somaliland iyo ku dhiiri-gelinta ciidamada
Somaliland inay sameeyaan amar-diido, eedaymahaas oo la xidhiidha maqaal
taxane ahaa oo ku soo baxay Haatuf laga bilaabo 24/11/2006, kaas oo
wargeysku ku soo bandhigayey dhaliilo iyo dhacdooyin musuq-maasuq ah oo uu
ku lug leeyahay Madaxweyne Daahir Rayaale iyo qoyskiisu, halka gudoomiyaha
Haatuf ee Yuusuf Cabdi Gaboobe lagu soo eedeeyay inuu is-hortaag shaqo ku
sameeyay Bileyska markii ay ka hawl-galayeen xarunta Haatuf 2/1/2007.
Waxaanay Xeer-ilaalintu eedaymahaas u cuskatay qoddobada xeerka ciqaabta
ee Somalia Lr. 220, 209, 264 iyo 321, taas oo qareenada Haatuf in ay ka
soo horjeedo qodobka 32 ee distoorka Somaliland iyo qodobka 31 ee Xeerka
Saxaafadda Somaliland, kaas oo laalaya gebi ahaanba in xeerka ciqaabta loo
adeegsado saxaafadda isla markaana waxba kama jiraan ku sheegaya xeer
kasta oo ka horimanaya Xeerka Saxaafadda.
Dhegaysigii shalay ee dacwadan Xeer-ilaalintu waxay Maxkamadda horkeentay
Markhaatiga 1aad oo ka mid ah C.I.D-da, isla markaana ay xeer-ilaalintu u
qabsatay inuu ka marag-furo eedaha loo soo jeediyay hawl-wadeenada Haatuf.
Markhaatiga 1aad wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa guddi 6/1/2007 ay dawladdu
u magacowday inay baadhitaan ku samayso kiiska loo soo jeedinayo
eedaysanayaasha Haatuf, isla markaana wuxuu ka jawaabay su’aalo ay
weydiiyeen Xeer-ilaaliyaha dawladda Siciid Fool-xun iyo Qareenada Haatuf
difaacaya.
Markhaati 1aad wuxuu marag-furkiisii ku saabsanaa eedaha loo soo jeediyay
hawl-wadeenada Haatuf u cuskaday arrimo siyaasadeed oo ay Haatuf kaga
hadashay maqaalka kor ku xusan, arrimahaas oo ku saabsanaa dhulka
Somaliland ee intii uu Daahir Rayaale xilka Madaxweyne-nimada qabtay ay la
wareegtay Puntland iyo xidhiidho dhexmaray Somaliland iyo Faransiiska iyo
Jarmalka, kuwaas oo uu yidhi waxa qoray Wargeyska Haatuf, iyada oo aanu
caddeymo u haynin arrimahaas.
Mar ay Qareenada Haatuf weydiiyeen in markii ay baadhitaanka wadeen
Madaxweynaha, Faransiiska iyo Jarmalka la xidhiidheen si ay wax uga
weydiiyaan arrimahaasi iyo in kale. Markhaatigu wuxuu ku jawaabay inay
ogaayeen in heshiisyadaasi aanay jirin sidaas darteedna aanay jirin sabab
ay cid kale wax uga weydiiyaan. Hase yeeshee markii lagu celceliyay inuu
haa ama maya kaga jawaabo su’aashaasi, wuxuuna yidhi “Maya”.
Waxyaabaha uu Markhaatiga 1aad ku tilmaamay in Madaxweynaha lagu
ceebaynayo waxa ka mid ahaa sawir kartoon ah oo laga sameeyay Mr. Rayaale
kaas oo lagu soo daabacay cadadkii Haatuf ee soo baxay 4/1/2007. Markii la
weydiiyay ceebta ku jirta kartoonka, wuxuu ku jawaabay in sanka
Madaxweynaha la dheeraysiiyay, taasna ay diintu ka soo horjeedo.
Markhaatiga 1aad waxa uu sheegay in Yuusuf Cabdi Gaboobe lagu eedaynayo
inuu is-hortaagay ciidamada Bileyska ee hawl-galka ku tegay xarunta Haatuf,
waxaanu markii la weydiiyay talaabada uu Yuusuf isku hortaagay yidhi:
“Shaqaalaha Wargeyska wuxuu ku yidhi soo kaca oo kamarooyinkiina soo qaata
oo sawira oo meydkoodu ha bato.” Markii la weydiiyay ma qoryaha soo qaata
buu yidhi, mise kamaradaha, wuxuu Markhaatiga yidhi “Kamaradaha soo qaata
buu yidhi, saxaafaddana waa hubkooda ugu dambeeya kamaraduhu.”
Garsoore Faysal Cabdillaahi waxa kale oo uu gaashaanka ku dhuftay codsigii
Qareenada Haatuf in labada eedaysane ee Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Cali
Cabdi oo waarran la’aan lagu soo xidhay 2/1/2007 la sii daayo.
Qareenadu markii ay la kaashadeen muwakiliintooda, waxay Maxkamadda ka hor
sheegeen inay ambiil ka qaadanayaan qaraarka uu garsooruhu isku hortaagay
soo jeedintoodii, isla markaana dacwadda la joojiyo, balse garsooraha
wuxuu ku adkaystay inaanu joojin dacwada oo fadhiguna furan yahay.
Hase yeeshee markii uu Garsooruhu xidhay dhegaysiga dacwada kadib,
eedaysanayaasha ayaa garyaqaanadooda u sheegay inaanay aqbali doonin in la
baalmaro xeerka saxaafadda Somaliland oo dacwadan lagu dhaqo xeerkii
Somalia, waxaanay eedaysanayaashu Madaxweyne Rayaale ku cambaareeyeen in
aanu dan ka lahayn Somaliland balse uu u dabran yahay tiisa oo
Somalilandnimadiisu tahay marka dantiisu ku jirto-na inuu isticmaalo,
marka aanay dantiisu ku jirina uu iska indho-tiro, dantiisana ka raaco.
Yuusuf Cabdi Gaboobe oo aanu hoolka Maxkamadda gudihiisa ku waraysanay
kadib markii uu dhegaysiga dacwadu dhamaaday, waxa uu yidhi: “Waa marka
hore Madaxweyne Rayaale wuu is ceebeeyay, dalkiina sumcad xumo ayuu u soo
jiiday, sharcigii iyo kala-dambayntiina wuu ku durduriyay, waxayna ila
tahay cawaaqib-xumadeeda inuu si dhakhso ah u arki doono.”
Fadhigii Maxkamadda ee khamiistii iyo kii shalayba waxa barxadda iyo
agagaarka Maxkamadda Gobolka Hargeysa, la soo dhoobay ciidamo aad tiro
badan oo bileys ah, kuwaas oo maalintii shalay gebi ahaanba xidhay
wadooyinka taga Maxkamadda, waxaanay gaadiidka u diidayeen inay maraan
wadooyinkaas, iyadoo dadka lagu amrayay inay gaadiidkooda dhigtaan una
lugeeyaan Maxkamadda.
Waxa kale oo maalintii shalay Maxkamadda isugu yimi boqolaal dadweyne ah
oo doonayay inay ka qayb-galaan dhegaysiga dacwada Masuuliyiinta Haatuf,
waxaanay ciidanka bileysku iska hor-istaageen dadweynuhu inay galaan
hoolka dacwadu ka socotay, balse dadweynaha Maxkamadda isugu oo aan u tiro
badnaa dartood waxaa dhegaysiga dacwada tiro kooban, waxaanay dadka intii
badnaa muddadii saddex saacadood ahayd ee dhegaysiga dacwadu socotay ay
hor tubnaayeen dhismaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, iyadoo wejiyada dadka
ay ka muuqatay walaaca ay ka qabaan cadaalad ay suxufiyiinta Haatuf ka
heli karaan Maxkamadda ka gar-qaadaysa dacwadooda, waxaanay qaar ka mid
ahi ku dhawaaqayeen hal-ku-dhegyo ay ka mid ahaayeen “Saxaafadda in la
cabudhiyo, waa wixii laga soo dagaalamay…” Top
BADHEEDHAHA:
Lugtii Jeeni Dhaaftaa Way Jabtaa. |
Maalintii shalay waxa Maxkamadda Gobolka
Hargeysa la horgeeyey gudoomiyaha Haatuf Media Network,Yusuf Cabdi Gaboobe
iyo tifaftiraha Wargeyska Haatuf, Cali Cabdi Diini, kuwaas oo
Xeer-ilaaliyuhu hor sidday dacwada eedooda loo soo cuskaday Xeerka
Ciqaabta Guud, taas oo nuqulkeeda la baahiyey khamiistii 11.01.2007.
Markii Qareenada u doodayay bahda Haatuf ay arkeen xeerkan ciqaabta ee
dacwada dabada loo saaray, waxay garsooraha u tilmaameen xeerka dacwadani
sax ku tahay inuu yahay xeerka saxaafadda X.N.27.2004, kaas oo ah mid ay
Golayaashuna ansixiyeen, madaxweynaha hadeer joogaana saxeexay.
Haddaba shalay oo ahayd maalinta go’aanka laga gaadhi lahaa xeerka dacwadu
ku soconayso ee ay saxda ku tahay, waxaa nasiib darro ah in xaakimka
gobolka ee dacwaddan daadihinayey, inuu iskaba dhaafo xeerkan saxaafadda u
yaalay iyo dalabkii qareenadu u gudbiyeenba, isagoo garsooruhu sababayn
waxa uu dacwadan ugu guda-gelayo xeerka ciqaabta ah ee ay xeer
ilaaliyuhuba iska qoondaystay. Haddaba waxa su’aashu tahay, ma xeerka
ayaan ahayn shuruucda dalka u taal mise maxaabiista ayaan suxufiyiin ahayn?
Dacwadana waxay cuntami kartaa marka xeerkeeda loo cuskado, haddiise
dacwada uu xeerkeeda garsooruhu aanu waafajin, qaraarka uu ka gaadhaana
wuxuun buu noqonayaa cadaalad-darro, xataa mid aan qodobada waafiqin taas
oo maxbuuskana lagu qaado xukun aanu qabin, garsoorka dalkana jiidhis iyo
jebinba ku ah. Xukuumadda Somaliland oo ah tan dacwadda dhibanaha ka ah
isla markaana ah tan xeerka dalka midna dhaafaysa midna la dhuslaynaysa
haddii aanay maxkamadu runta u sheegin yaa u dhex ah dadka sharciga hoos
jooga, sida masuuliyiintan Haatuf ee dhawr iyo toban cisho cidlada ay
xukuumaddu ku haysato ee ay sharci-darada u xalaalaysatay xadhigooda.
Ta kale xeerkan ciqaabta ah ee ay xukuumadu cuskatay garsooruhuna ka
aqbalay wuxuu ahaa kii laga samaystay xeerkan saxaafadda ee imika layskaba
dhaafay, iyadoo tan iyo wakhtigii la ansixiyeyba aanay xukuumaddu marnaba
ku shaqaynin kolba hadii ay Maxkamaddiina ka toosin wayday waa lugtaa
jeeniga dhaaftay inay jabtana u dhaw. Top
“Maxaa Sool Iyo
Sanaag Bari Laga Sheegayaa Hargeysaa
Badh Maqan Yahaye” |
“Maxaa loo sheegi waayey ragga 50-ka baloodh,
daaraha dhaadheer iyo beeraha haysta” “Maxaa
Afarta Reer Nuur Iyo Labada Reer Caynaanshe Tilmaamay, Haatuf Iyo Ina
Xaashi Waxa Ka Dhow Ina Buubaa”
Siciid Sulub, Wasiirka Hawlaha Guud
Haatuf, January 14, 2007 (Haatuf) – Wasiirka hawlaha guud ee dawladda
Somaliland, Siciid Sulub Maxamed ayaa shalay si ba’an u weeraray Wargeyska
Haatuf iyo sidoo kale shakhsiyaad siyaasiyiin ah, isagoo wasiirku
sheekadiisa gaadhsiiyay beelo, isla markaana si weyn u difaacay
Madaxweynaha iyo Marwadiisa.
Wasiirku wuxuu arrimahaa kaga hadlay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay
xafiiskiisa magaalada Hargeysa, isagoo ka hadlay arrimo badan oo uu marba
dhinac u dhigay haddii ay tahay dhinac qabyaaladeed iyo hadday dhinac
siyaasadeedba tahay, wuxuuna shirkiisa jaraa’id ka jeediyay hadal dheer oo
uu sida uu doono u filiqtamay isla markaana waxa hadalka wasiirka ka
muuqday dhiilo weyn isagoo xataa si rasmi ah shirkiisa jaraa’id uga
dhawaaqay in dawladda Hargeysa badh laga haysto, wuxuun u muuqday nin aad
u cadhaysan oo ay hadaladiisa ka dhadhamayso hanjabaad iyo cago-juglayn,
oo mar af-dawladeed ku hadlaya, oo marna aad mooddo inuu a freer ku
hadlayo.
Sidoo kale, wasiirka iyo weriyeyaashii
shirka jaraa’id ka qayb-galay ayaa si weyn isula baaxaa-degay, kadib
markii uu ku haftay su’aalo xad-dhaaf oo ay ku boobeen weriyeyaasu, isagoo
tiroba laba jeer ka kacay su’aalihii ay weriyeyaashu weydiinayeen isagoo
xamili waayay su’aalihii lagu liishaamayay.
Wasiirku wuxuu ku faanay inuu yahay wasiirkii ugu waxqabadka badnaa ee soo
mara wasaaradda Hawlaha Guud muddadii 16-ka sannadood ahayd, isagoo
arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi: “Inkastoo aanay dawladda dhaqan u
ahayn inay saxaafadda daba-gasho waxa igu kelifaya waxa la yidhi dadka
beenta isticmaala way ku celceliyaan marka dambe oo waxay yidhaahdaan run
hala moodo marka dambe, markaa si aanay dadka xalaasha ah ee daacadda ah
ee reer Somaliland, wixii dacaayad ah ama cay aan geedna loogu soo
gabanayn ah ee cid sumcadeeda iyo magaceeda lagu wiiqayo, ayaa igu
kelifaya inaan kaba daba tago jaraa’idka Haatuf.
Haddaba haddii aan ku bilaabo wasaaradda Hawlaha Guud, hawlo farabadan ay
qaranka uga masuul tahay, hawlahaas waxa ka mid ah hawlaha guud, gaadiidka,
wadooyinka.
Waxaan u malaynayaa cadceedda cidina sacabka
ma saari karto, muddadii aan joogay waaaradda isbedel weyn baa ku yimid,
taana qofkii caafimaadqaba ee Somalilander ahi wuu arki karayaa, waxaan
aaminsannahay wixii kordhay 13-kii sannadood ee ka horeeyay saddexdii
sannadood ee aan joogay, haddii laysu miisaamo waxa badan waxa u kordhay
saddexdii sannadood ee aan joogay. Qofkii oggaa siday wasaaradu ahayd 2003
indhihiisa ayuu ku arki karaa waxa u kordhay wasaaradda, taas ma doonayo
inaan aad ugu sii dheeraado oo ay faan u ekaato, laakiin marka aan ka tago
ayay aad u muuqan doontaa.
Markii aan imid shaqada wasaaradda Hawlaha
Guud waxay u ekeyd ama ay u badnayd gobol, ama gobol iyo badh, laakiin
imika waxay gaadhsiisan tahay lixda gobol. Intii aan joogay waxa
suurto-gashay in min Awdal ilaa Sool iyo Sanaag ay waxqabadka wadooyinku
gaadhaan. Intii aan imid ka hor laba shirkadood oo qudha ayaa la shaqayn
jiray wasaaradda Hawlaha Guud, waxa suurta-gashay inay la shaqeeyaan
wasaaradda shirkado gobol walba leh, waxa qandaraasyadii wadooyinka wax ka
qaatay reer Sool, reer Sanaag, reer Awdal baa ka qaatay oo cid waliba way
ka qaadatay, taasi waxa laga yaabaa inaanay raaligelin cidii ay markii
hore ku koobnayd, wasaaradduna waxqabadkeeda sannad walba iyadoo qoraala
golaha wasiirada ayay u gudbisaa, waana la hayaa.
Midowga Yurub ayaa wasaaradda caawin jiray oo ka caawin jiray dhinaca
wadooyinka iyo biriijyada, waxaan wasaaradda imid shaqadaas oo meel
badhtan ah socota, nasiib-wanaag intii aan joogay waxa hirgalay 13 biriij
iyo kaambado ah oo isugu jira qaar cusub oo la dhisay iyo qaar dumay oo
dib loo dhisay oo ku fidsan ilaa Gorya-cawl ilaa Caynaba, waxayna
wasaaraddu gaadhay intii aan joogay gobolada Sool, Sanaag iyo Togdheer oo
aanay hore u gaadhi jirin. Waxa kale oo ay gaadhay Maydh iyo Tabca oo wax
badan laga qabtay oo wadadii shanta saacadood lagu jiri jiray maanta laba
saacadood iyo badh lagu jiro.
Midowga Yurub (EU) caawimadii ay bixin jirtay waxay bilaabantay 2000
waxaanay ku ekeyd 2005-ta oo qorshe shan sannadood ah bay ahayd, markaa
EU-du uma ay tegin inay wax saluugtay ee qorshihii baa ka dhamaaday, EU-du
waxa ay qabataana ma aha sida hay’adaha kale ee seminaarada iyo ururada
yaryar lagu maalgeliyo ee aan muuqan ee waxay qabatay waa si fiican u
muuqan kara oo la taaban karo, waxaan isleeyahay waa dhaqaalaha keliya ee
laynagu caawiyay ee siduu ahaa si toos ah u galay dalka, muddadii aan
joogayna xidhiidh fiican baanu lahayn, waxaanan imid iyadoo uu saluug jiro,
qorshaheeda caawimana waxay dib u bilaabaysaa 2008. Markaa hore EU-da
3,000,000 (saddex milyan oo Euro) ayay ku caawisay Somaliland, aniguse
waxaan soo gaadhay 1.8 Milayn Euro, waxaanan ku dhisay wadooyinka iyo
biriijyada, imikana marka la eego waraaqihii ay soo qoreen iyo waxyaabihii
aanu ka dalbanay ee ay soo ogolaadeen, waxaanu rajaynaynaa in halkii ay
markii hore ka ahayd 3 Milyan oo Euro ay imika noqoto $214,900,000 (Laba
boqol iyo afar iyo toban milyan iyo sagaal boqol oo kun oo Doollar)
dhokumentkii uu ku cadaana waa kan. Markaa ma aha in la yidhaahdo EU baa
tagtay, laakiin xagal-daacintaa iyo dacaayaddaa waxa fidiyay dadka aan ka
raalida ahayn inay Somaliland horumarto.
Waxa kale oo aan idiin sheegayaa wasaaradda Hawlaha Guud wadooyinka toos
uma maamusho, waxa jirta hay’ad la yidhaahdo Somaliland Road Authority
(SRA), guddi baa jira, guddidaas oo sideed xubnood ka kooban, afarna waa
shicib afarna waa xukuumadda oo waa afar wasiir, mana jiro wasiir
qandaraas bixiyaa, mana jiro dhaqan caynkaas ah oo ka suura-gala ummad
dawlad sheeganaysa oo qof keligii wax iska maamusho, waxna iska iibsan
karo, taasi waa magac-dil shakhsiyeed iyo magac-dil qaran,” ayuu wasiirku
ku soo xidhay qaybtii hore ee hadalkiisa oo uu kaga waramayay waxqabadka
wasaaradiisa, kadibna wuxuu u gudbay qaybtii labaad oo uu ahaa biyo-dhaca
shirkiisa jaraa’id, wuxuuna yidhi: “Jariidada Haatuf waxa dhaqan u noqotay
beryahan dambe anigu siiba waxaan hayaa qoraalo badan oo aniga igu
waajahan oo ceebayn iyo meel ka dhac qaran ah ama magac-dil shakhsi
(character assassination) oo ay ku sheegayaan waxyaalo la lunsaday,
magac-dil marka la leeyahay waa dil uun, dilmadu haddii ay shalay ahayd
dayday iyo xabad la isku dhufto, maanta waxay isu bedeshay cay iyo ceebayn
lagu dilayo qofka qiimihiisa iyo qadarkiisa, qarannimaduna waxay ka kooban
qofaf iyo madax, hadaan madaxda haybad loo yeelin oo sharaftaada la
dhaawaco qaranimaduna way dhaawacan tahay, waxay Haatuf soo qortay sheeko
ay ku ceebaynayso madaxweynaha iyo qoyskiisa oo ay ku sheegtay inay gaadhi
MarkII ah lunsadeen, waa sheeko aad u rakhiis ah in Madaxweyne qaran isaga
iyo gabadhiisii gaadhi MarkII lagu jiidjiido. Maalintay soo qoreen waxaan
u yeedhay laba wiil oo qoraalka soo qoray Maxamed-rashiid iyo Cabdifataax,
waxaaan tusay qoraalkii wax lagu xaraashayay iyo qaabkii wax loo iibiyay
inuu ahaa mid saxa ah oo aan ahayn mid wax lagu dacaayadayn karo, waxa
kale oo aan tusay labadii gaadhi oo kala ah gaadhigii anigu aan lahaa iyo
gaadhigii dawladdu lahayd, dabadeedna anigoo diidaya ceebta iyo qarjajacda
ayaan ku idhi idinku isa saxa.
Waxa jirtay inan (wiil) hore uga shaqayn jirey madaxtooyada, oo markuu
shaqadiisa qabsan waayay la eryay, qaar wasaaraddayada ka tirsan oo loo
yeedhyeedhaana way jiraan, inankaa TV-ga la soo fadhiisiyey wuxuuna
ceebiyay qoyskaa xormada ku leh qaranka. Inankaasi waxa uu noo soo
gudbiyey qoraal uu ku sheegayo in gaadhi MarkII ah loo xaraasho
madaxtooyada, madaxweynaha iyo marwada toona ismaanu arag, inankaasi
qoraalkiisa markii aan ka shakiyey ayaan wax ka weydiiyey wasiirka
madaxtooyada, ka dibna waxa uu ii sheegay in qoraalkiisu rasmi (official)
yahay, waxaanan u yeedhay agaasimaha guud, qaabkii sharciyeed ayaanu maray,
gaadhigaasi aan kala wareegnay madatooyadu waxa uu soo galay madaxtooyada
1995-kii. Inankaa TV-ga la soo fadhiisiyay waxaanu ognahay inuu yahay
abaabul la soo sameeyay oo rag waaweyni ka dambeeyo oo inanka lagu khasbo
ama lagu laaluushay inuu waxan sameeyo. Imikana labadii gaadhi ee midna
anigu aan iibsaday ee lahaa, midna ay wasaaradda Hawlaha Guud lahayd ee
aanu Madaxtooyada ka iibsanay horteena ayay yaalaan oo waan idin tusaynaa.
Markaa ay madaxtooyadu wareejinaysay anaguna gaadhi ayaanu u baahnayn,
anagaana lacagtii u celinay oo ka iibsanay. Waxay yidhaahdeen miyaanu
gaadhi dawladeed ahayn maxaa loo iibinayaa, anaguna miisaaniyad gaar ah
ayaanu leenahay, wasaaradina wasaarad kale uma iibiso gaadhi. Waxa
jariimada in gaadhiga caruurtaydu wadato qaranka loo tuso gaadhi qaran ama
dawladeed.
Haddii cidi hanti qaran ku tagri falayso Haatuf bay ka bilaabmaysaa,
guryaha iyo xafiisyada ay ku jiraana dawladaa leh, waxayna ka soo
farcantay Sooyaal iyo hantidii ay hay’aduhu ku caawinayeen, maroodigu
takarta ku taagan ma arkee, takarta ka kalena ku taagan buu arkaa, guryaha
uu ku jiro gudoomiyaha Haatuf, kuwa hurdada u ah iyo kuwa xafiisyada u
ahba waa hanti qaran, waxayna ka mid tahay hanti boobka qaran ee dalka ku
fidday ee ninba intuu heli karayay xejistay, waxa la yidhi nin daar
quraarad ah ku jiraa inuu nin daar dhagax ah ku jira tuurtuuro maaha,
wixii ay iga qoreena waxaan ku talo jiraa inaanu Haatuf sifo sharciya ku
wada xaalno, inamada la adeegsadayna intaa u dhaafi maayo, waxaanse
doonayaa inaan u dhaafo ragga waaweyn ee ka dambeeya, raggaa qaarna waan
magac-dhabayaa, qaarna dib baan u dhiganayaa, raggaas oo uu ka mid yahay
Maxamed Xaashi Cilmi, waa ogeydeen oo markii Haatuf la xidhxidhay qaylo
dheer buu ku dhuftay, waxa uu isku qaaday madaxweynaha iyo xaaskiisa,
waxaanu ku sheegay Aar iyo Gool, Illaahay baan idinku dhaariyee in hablaha
la caayo, waxaanu marwada ku tilmaamay gool, mar kase uu caayan yahay
Madaxweynuhu iyo ee caayan tahay sodohda uu qabo ee Marwada koowaad,
miyaanay Somaliland caynayn, marwada waxa uu ku tilmaamay waxshi ileyn
libaaxu waa waxshiye, taasi waa dhaqan-xumo waana wax laga dhintaa.
Inamada yaryar ee wax qorayaana waa gardaro
garab og, oo raggaa (Maxamed Xaashi) iyo rag kale oo waaweyn oo
masuuliyiin ahaan jirey ayaa ka dambeeya, waxaana fiicnayd inaanay
carruurta adeegsane ay banaanka u soo baxaan oo sidaa Maxamed Xaashi isu
cadeeyaan.
Qof weyn oo masuul ah oo weliba doonaya inuu heer qaran madax ka noqdo,
yaa u fasaxay inuu masuuliyiin kale caayo, miyey diintu u fasaxday cayda,
uma ay fasaxin diintu, dhaqankeenii haboonaana umuu fasaxin, dawladnimada
iyo madaxnimada ay sheeganaynaana ma ogola.
Maxamed wuxuu ka soo raamsanayaa halkii Ildab dheere iyo Xoore,
dhaqankooduna sidan ma ahayn raggii u talin jiray ee odayaasha u ahaa
Maxamed Xaashi, waxa uu adeegsanayaa inamada yaryar.
Waxa kaloo la yidhi wasiirka Hawlaha Guud iyo taliyaha CID-da ayaa isku
qolo ah. Haatuf waxa kale oo ku qornayd afar nin oo reer Nuur ah oo la
yidhi madaxtooyadaa laga shaqaaleeyey, goormaa qolooyin la noqday oo
qaranimadii laga baxay, goormaa la xisaabiyay shaqaalaha dawladda oo qolo
waliba inteedii la baxday, haddii xaafadayda laga helay aniga iyo ninka
CID-da jooga, Maxamed Xaashi iyo xaafadooda inteebaa ka shaqaale ah, intee
baase masuuliyiin ah, yaase cadaalad-darro wax ku haysta. Waxa jira 25,000
oo shaqaale ah marka ciidamada qaranka lagu daro, yaa wax inoo qaybiyay,
yaa xisaabiyay, maxaa afarta reer Nuur iyo labada reer Caynaanshe
tilmaamay.
Haddiise ay Haatuf noqotay fawaaxish ama cayda ay qaabiso oo ay dadka
burush xaarleh marmarinayso, maxay u wada sheegi wayday yaa hantidii
qaranka haysta, yaa daaro dhaadheer ka dhistay, yaa beerihii haysta, yaa
guryihiin dawladda haysta, waxaynu leenahay oo aynu ka hadalnaa Sool iyo
Sanaag bari ayaa la haystaa, Hargeysa ayaa badh maqan tahay, wixii aynu
qaran iyo dawlad ku noqon lahayn dad baa haysta oo dawladda xafiisyadii
iyo guryihii baa laga haystaa oo dhulkiibaa la haystaa.
Anigoo wax badan og, anigoo ay aniga iyo dad ila mid ahiba wax badan
dhoob-dhoobayeen, ma doonayo inaan ka nixiyo dadka reer Somaliland ee
wanaaga iyo horumarka Soamliland jecel, waxaanse leeyahay haddii aan la
xishoon oo tixgelin la samayn, oo dhaqankeenii suubanaa iyo diinta loo
noqon oo aan la odhan hebelow ka daa, waxa muuqan doona wax badan oo aanu
daaha saaraynay.
Waar marka madaxweynaha la caayo ee marwadiisa la caayo ee wasiirada la
caayo xikmadda ka dambaysaa maxay tahay, xikmadda ka dambaysaa waxay tahay
shalayna kuwo (Madaxweyne) ayaa la caayayey, maantana kuwo (Madaxweyne)
ayaa la caayayaa, waxa la doonayaa inaynaan waxba noqon.
Madaxweynaha marka la leeyahay waa tuug, waa musuqmaasuq taas macnaheedu
waxa weeye caalamkow hana aaminina, Somaliland wax maaha, oo mar haddii ka
noo madaxweynaha ahi sidaa yahay, oo marwadiisii sidaa tahay, ee
wasiiradiisu tuug yihiin, waxba ma nihin, dhaqanka meesha laga rabaa waa
kaa.
Rag Somaliland u dhashay baa reer Somaliland ka hor yimid ama ka soo
horjeeda imika, raggaa sida Ina Buubaa oo koonfur u shaqo tegay waxa ka
khatarsan ninka gudaha jooga ee doonaya inuu gudaha ka dumiyo, ee doonaya
inaan laba isu iman, oo aanay dadku u midoobin cadowgooda oo uu tafaraaruq
ku rido. Haatuf iyo Maxamed Xaashi waxa ka dhow Ina Buubaa.
Runtii waan ka xumahay maan jeclayn meelaha qaar inaan gaadho, wayse socon
doontaa haddii la wado waxaanan jeclahay inay noqoto riwaayad laga
ilaaliyo carruurta iyo dumarka uurka leh oo ragga waaweyni isu soo baxaan.”
Su’aalihii halkaa lagu weydiiyey waxay u dhaceen sidan:
S: Weerarkan aad ku qaaday Wargeyska Haatuf iyo sidan aad u hadashay ee
ilaa xad aad beelo gaadhay, miyaan la odhan karin adigaaba xaaladii
taagnayd ka sii daray?
J: Anigu Shirkan jaraa’id ugumaan talo gelin inaan cidi waxaanay ahayn ku
sheego, dadkana qof baan ka magac dhabay, waxaad ogtihiin baanan ku magac
dhabay.
S: Maxaad ku cadaynaysaa in Maxamed Xaashi Haatuf ka dambeeyo?
J: Soo kii lahaa maxaa Haatuf loo taabtay ee loola hadlayaa ee
madaxweynuhu ku cambaaraynayey ee caayay Madaxweynaha iyo Marwadiisa.
S: Dad badan ayaa ka hadlay xadhigga masuuliyiinta Haatuf xadhiga Haatuf
ee maxaad Maxamed Xaashi gaar ugu soo soocday miyaan arrintaadu noqonayn
eedayn qabiil?
J: Maxaa Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cabdifataax, Maxamed Rashiid iyo Ina Xaashi
is-daba dhigay, maxayse u sheegayaan inaanu isku qolo nahay taliyaha CID-da.
Oo laga yaabo inuu yahay ka keliya ee xaafadayada yahay.
S: Marka laga hadlayo arrimaha musuqmaasuqa, qoysaska maamulka
madaxtooyada caalamka haya waa lagu eedeeyaa arrimo musuq maasuq oo ay
galeen, markaa adigu ma waxaad u haysataa haddii musuqmaasuq la sheego in
madaxtooyada la ceebeeyey oo lagu gefay?
J: Maya, anigu sidaa uma jeedo laakiin, waxaan kuu sheegayaa in waxan lagu
eedaynayo madaxtooyada ay been tahay, laakiin qofka bini’aadamka ah khalad
wuu ka dhici karaa, madaxweynaha ha noqdo, marwadiisa ha noqdo, aniga ha
noqdo, bini’aadamku waa khaldaamiin, laakiin wixii been abuur ah ee
magac-dil ah ee aan kaaga metelo qorigii shalay shaaraca lala joogay in
maanta lagu dilayo dadka, afku waxa uu la xoog yahay magliga xawda kaa
jaro’e, afka hadii la doonayo la isku dilo maanta oo la joojin-waayo,
cayda, fawaaxishka iyo nijaasta la wado ee la doonayo in lagu baabi’iyo
Somaliland taa waa laga hadlayaa.
S: Waxaad sheegtay inaad tahay masuulkii ugu wax qabadka badnaa ee soo
maray wasaaradda hawlaha Guud, haddana waxaa la ogyahay in biriishkii
magaaladu wali dunsan yahay, waa maxay markaas waxa aad ku faanaysaa?
J: horta biriishka waxa inaga heshay aafo qaran, qarankoo dhamina wuu u
gurmaday. Jiitankuna waxa uu ka dhashay tamarteena, nin khabiir ku ah
dhismaha biriishyada ayaanu sugaynay, ninkaasina dhawaan ayuu yimid,
qandaraaskii tartankana shalay ayaa la bilaabay, horaanta February-na
waxaa la filayaa inuu kombaniga ku guulaystaa uu shaqada dhismaha bilaabo.
S: Maadaama baabuurta dawladda loo iibinayo iyo kuwa la xaraashayaba ay u
qaabilsan tahay Guddida Qandaraasyadu miyaanay gaadhigan madaxtooyada aad
kala wareegteen sharci darro miyaanay noqonayn, habkii laydiinku soo
wareejiyey?
J: Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka ay wadataa waxay u badan yihiin
baabuurtii hawlgabka ah. Haday iskaraab tahay iyo haday gaadiid daalay oo
la xaraashayo tahayba, waxa u xilsaaran qaranka Wasaaradda Hawlaha Guud,
waxaana la xaraasha xubin wasaaradda maaliyadda ka socota iyo xubin hanti
dhawrka Qaranka ka socota.
Mida kale, Qarankani ma qaran ay saxaafaddu hanti dhawr u tahay baa,
haddiise wax la lunsado miyaan hay’ado daba-gala oo qaranka u qaabilsani
jirin, haddaad soo ogaato wax la lunsaday dee u tag xisaabiyaha guud.
Dalkani cagaha iskuma taagin waxna muu noqon in loo tudho buu u baahan
yahay. Madaxweynuhu markuu dibadaha tegayay ee aad lahaydeen intaas milyan
buu qaatay oo aynaan haysanba, miyaanay ahayn dadkii loo baryo tegay inaan
ku lidihiin waar waa tuuge waxba hanooga dhiibin, iyadoo aan ogahay in
markii masaariiftii ka go’day Yurub in nin reer Somalilander ahi
masaariiftii ka bixiyay afartaa cisho ee dambe, iyadoo aan ogahay in
markii uu safarka ku marayay Afrika in nin Somalilander ah oo idinla mid
ah laakiin aan damiirkiinoo kale lahayn inuu muxawil ku qaaday oo ilaa
imika lacagtii badh leeyahay.
S: Dacwadan Haatuf ku socota, ma ka noqon doontaa marag muujinaha
Maxkamadda horyimaada?
J: Anigu waxaan marag ka noqonayaa dacwad ii gaarka ah ee aan xeer
ilaalinta guud iyo Maxkamadda u gudbin doono ayaan marag iyo muduci ka
ahay, cidii madaxweynaha caydaana waa cid Somaliland cayday.
S: Ma noo sheegi kartaa cida daaraha dhaadheer hantida Qaranka ka dhisatay
ee aad ku eedeysay Haatufna?
J: Ma doonayo inaan ragga sii sheego, balse way soo bixi, cidda 50-ka
baloodh haysata ee daaraha dhaadheer iyo beeraha haysataa, adiguba waad
garanaysaa waxaanan la yaabanahay waxa raggaas loo sheegi waayey.
Miyaydaan su’aalaha joojinaynba miyeynu wadi uun haddii aydaan is qabanayn
maxaa yeelaa. [kadibna wasiiru wuu kacay iyadoo su’aalihii la weydiinayo] Top
Taliyaha CID-da
Oo Amar Jeebkiisa Ah Ku Xidhay Nin
Booqday Masuuliyiinta Haatuf Ee Halkaasi Ku Xidhan |
Hargeysa, January 14, 2007 (Haatuf) -
Taliyaha Qaybta Dambi Baadhista Bileyska ee CID-da Saleebaan Muuse Xasan
ayaa doraad abaaro 1:00 duhurnimo amar ku bixiyey in la xidho Mr. Kayse
Axmed Cismaan oo raashin u siday Gudoomiyaha Haatuf Media Network Yuusuf
Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Haatuf Cali Cabdi Diini oo muddo 14-maalmood
ah ku xidhnaa qol ku yaala xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa.
Kayse markii uu soo galay xarunta CID-da waxa lagu wargeliyey in aan loo
geli karin labada suxufi ee halkaasi ku xidhan, isla markaana aan loo
ogolayn inay cidiba aragto.
Ka dibna Taliyaha CID-da Saleebaan Muuse Xasan ayaa amray in xafiiskiisa
loogu keeno, waxaanu u sheegay inuu xidhan yahay, iyada oo Kayse lagu
amray inuu kabaha iyo suunka bixiyo, waxaana lagu xidhay qol ku yaala
xarunta CID-da oo uu weli ku jiro.
Hase yeeshee, sida ay Kayse Axmed Cismaan ka soo weriyeen dad eheladiisa
ah oo shalay ku booqday xarunta CID-da waxa uu u sheegay in shalay
subaxdii loogu yeedhay xafiiska Taliyaha CID-da Saleebaan Muuse Xasan,
kaasi oo weydiiyey su’aalahan soo socda.
Taliye Saleebaan: Ma istaaqaanaan qoladan Haatuf?
Kayse: Haa waanu is-naqaanaa oo asaxaab ayaanu nahay.
Taliye Saleebaan: Miyaad ka shaqaysaa Haatuf?
Kayse: Maya.
Taliye Saleebaan: Goormaad is-barateen?
Kayse: Muddo dheer ayaanu is-naqaanay, saaxiibo isku dheerna waanu nahay.
Taliye Saleebaan: Ma adaa siiyey macluumaadka ay ka qoreen madaxtooyada?
Kayse: Maya, anigu weriye ma ihi, kamana shaqeeyo Haatuf.
Taliye Saleebaan: Ma is-taqaanaan Maxamed Cumar (Weriyaha Haatuf ee Awdal)
iyo C/Qani Askar [suxufi madax banaan oo dhawaan Haatuf ku qoray maqaal la
xidhiidha mawaadiicda loo haysto] midna?
Kayse: Waanu is-naqaanaa oo niman tol ah ayaanu nahay.
Taliye Saleebaan : Ma laga yaabaa inay iyagu xogta Haatuf madaxtooyada ka
qoreen ay labadaasi nin bixiyeen?
Kayse: Anigu ma ogi, ee iyagaad weydiin.
Inkasta oo uu amarka xadhiga Kayse bixiyey, taliyaha CID-da Saleebaan
Muuse Xasan, haddana wuxuu taliyuhu Kayse u sheegay in markii horeba la
raadinayey, oo lagu xidhiidhinayo arrinta loo haysto Gudoomiyaha Haatuf
Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha Haatuf Cali Cabdi Diini
oo ku saabsan eedo musuq-maasuq iyo ku takri fal awoodeed oo ay madaxweyne
Rayaale iyo qoyskiisu ku kaceen.
Hase yeeshee, Kayse Axmed Cismaan mar uu taliyaha weydiiyey cida ku
amartay inay raadiyaan isaga (Kayse) waa uu ka war-wareegay inuu u sheego.
Kayse Axmed Cismaan oo uu adeer u yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee
Somaliland C/Raxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu hore uga mid ahaa koox
Mujaahidiin ah oo ay xukuumadda madaxweyne Rayaale 2003 hore ugu eedaysay
inay wadeen falal nabadgelyo darro ah, isla markaana in ka badan lix
bilood si sharci darro ah ugu xidhnaa xabsiga dhexe ee Hargeysa, balse la
sii daayey markii ay maxkamadu ku weyday waxyaabihii ay xukuumaddu ku soo
eedaysay. Top
Ururada
Xuquuqda Aadamaha Oo Walaac Ka Muujiyay
Markii Loo Diidday Dhegaysiga Dacwada Haatuf |
Hargeysa, January 14, 2007 (Haatuf) –
Ururada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta
xuquuqda aadamiga Somaliland oo ay kulmiso dalada heer Qaran ee
Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga Somaliland oo magaceeda loo gaabiyo
SHURO-Network, ayaa walaac weyn ka muujiyay sida sharci-darrada ah ee
Bileyska Somaliland ugu diiday in ay ka qayb-galaan dhegaysiga dacwad lid
ku ah qaar ka mid ah masuuliyinta iyo suxufiyinta Shabakadda wararka
Haatuf ee madaxa banaan, dacwadaasi oo ka socotay hoolka Maxkamadda
Gobolka Hargeysa shalay.
Gudoomiyaha SHURO-Network, Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka mid ahayd
Saraakiisha xuquuqda aadamiga ee shalay laga horjoogsaday dhegaysiga
dacwada masuuliyiinta Haatuf ee ka socotay hoolka Maxkamadda gobolka, ayaa
waxay tidhi: “Haddii aanu nahay ururada xuquuqda aadamiga Somaliland,
waxaanu aad iyo aad uga walaacsannahay sidii foosha xumayd ee ay ciidanka
Bileyska ah iyo madaxdoodii ee shalay laga hawl-geliyay Maxkamadda Gobolka
Hargeysa ay noogu diideen annaga oo ah wakiiladii iyo madaxdii ururada
xuquuqda aadamiga dalka in aanu ka qayb-galo dhegaysiga dacwada lidka ku
ah suxufiyiinta Haatuf oo shalay ka socotay hoolka Maxkamadda Gobolka
Hargeysa.”
Marwo Samsam oo faahfaahinaysa ujeedada ay uga qayb-galeen ama u
xiisanayaan ka qayb-galka dacwadaasi ayaa tidhi: “Annagu maadaama aanu
nahay ururadii wadaniga ahaa ee isku xilsaaray ilaalinta xuquuqda aadamiga,
waxaanu rabnay bal in aanu hubsano inay cadaalad iyo garsoor dhex ah
helayaan suxufiyiinta Haatuf ee dacwada lidka ku ahi ka socotay hoolka
Maxkamadda shalay.”
Geba-gebadii waxay Marwo Samsam Cabdi Aadan wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL
iyo guud ahaan hay’adaha sharci-fulinta Somaliland ka codsatay in ay
ixtiraamaan difaacayaasha xuquuqda aadamiga iyo xuquuqda hawl-wadeenada
saxaafadda madaxa banaan ee war helida, isla markaana aanay Bileysku is-hortaag
ku samaynin kormeerayaasha xuquuqda aadamiga ee u dhabo gelaya in
eedaysanayaashu garsoor dhex ah ka helayaan cadaaladda Somaliland.
“Haddiise sidii shalay annaga nagu dhacday oo kale naloo diido xataa ka
qayb-galkii dhegaysiga Maxkamadda, taasi waxay shaki weyn gelinaysaa
dhexnimada garsoorka Somaliland, iyadoo muujinaysa in eedaysanayaashu
aanay helayn garsoor xaq ah oo cadaalad ku dhisan.” Top
Ururada
Saxaafadda Somaliland Oo Walaac Ka Muujiyey
Ku Dhaqanka Xeerka Ciqaabta Oo Loo Adeegsado
Warbaahinta Madaxa Banaan |
Hargeysa, January 14, 2007 (Haatuf) –
Ururada saxaafada Somaliland ee SSJW iyo SOLJA ayaa ka digay in eeddaha
saxaafada loo qabsado ka gar-naqidooda loo raaco xeerka ciqaabta Guud,
waxaanay ururadu sheegeen in aanay aqbali doonin eed kasta oo ku salaysan
xeerkaasi oo loo adeegsado dacwad ay cidi ku soo oogtay warbaahinta madaxa
banaan ee Somaliland.
Guddoomiyaha ururka saxaafada ee SOLJA, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa
isaga oo ka hadlaya arrintaasi waxa uu yidhi “Ma aqbali doono eed kasta oo
lagu soo ooggo saxaafada madaxa banaan leh oo aan waafaqsanayn xeerka
saxaafada Somaliland ee golayaasha sharci-dejintu ansixiyeen,
madaxweynuhuna saxeexay, sidaas darteed hadii garsoore ka mid ah
maxkamadaha hoose uu iska yidhaahdo waan laalay xeerka saxaafada, waxaanu
ka furan doonaa dacwad ka dhan ah”.
Gudoomiyaha Solja waxa uu intaas raaciyey inay kiis dacwadeed ka furan
doonaan hadii maxkamada gobolka Hargeysa u raacdo ka garsoorida eedaha loo
haysto gudoomiyaha HMN Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Wargeyska
Haatuf Cali Cabdi Diini xeerka ciqaabta Guud ee 1962-kii dawladii hore
Somalia samaysay, isla markaana cid kasta oo saxaafada u adeegsata
xeerkaasi ay sharci la tiigsan doonaan.
Dhinaca kale, C/raxmaan Axmed Shunuuf oo u hadlay ururka suxufiyiinta iyo
qorayaasha madaxa banaan ee Somaliland (SSJW) ayaa sheegay inuu hadda soo
baxday walaacii ay ka qabeen in gudoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe
iyo tifaftiraha wargeyska Haatuf Cali Cabdi Diini ay heli karaan garsoor
dhex ah oo cadaalad ah, ka dib markii maxkamada gobolka Hargeysa ay
sheegtay inay eeddda loo haysto labadaas suxufi ay kaga garsoori doonto
xeerka ciqaabta ee dawladihii hore Somalia ku dhaqmi jireen, iyada oo
dhinac iska dhigtay xeerka saxaafada qaranka Somaliland, taasi oo ka soo
horjeeda qodobka 32 ee Dastuurka Qaranka Somaliland iyo Xeerka saxaafadaba.
Waxaanu C/raxmaan sheegay in aanu ururka SSJW marna aqbali doonin xukun
kasta oo ku salaysan xeerka ciqaabta, oo ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku
xukunto Masuuliyiinta Haatuf.
“Ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa Banaan ee SSJW waxa uu hore u
sheegay inuu ka walaacsan yahay sida ay labadan suxufi u heli karaan
garsoor cadaalad ah, imikana waxa soo baxaya wixii aanu hore uga digaynay,
sababta oo ah, Garsooraha hadda ka garnaqaya kiiska eeda loo haysto
Gudoomiyaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo tifaftiraha
Wargeyska Haatuf Cali Cabdi Diini, wuu ka baaqsaday inuu qaraar ka soo
saaro xeerka saxaafadda Somaliland iyo xeerka Ciqaabta Guud, midka uu kaga
garsoorayo dacwadooda.
Sidaa darteed marka la eego hab-dhaca dacwada iyo garsoorkeeda, waxa uu
ururka Suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa Banaan ee Somaliland aaminsan
yahay in aan dacwad la qaadi karin, iyada oo aan loo marin qawaaniinta
sharciga ah ee dalka u taala, sidaasi darteed ururka Suxufiyiinta
Qorayaasha Madaxa Banaani waxa uu halkan ka cadaynayaa in aanu marna
ogolaan doonin in dacwada eeda Suxufiyiinta Haatuf loo haysto lagu qaado
xeerka Ciqaabta ee Somalia.
Ururka suxufiyiinta iyo Qorayaasha Madaxa Banaan ee Somaliland waxa uu ka
digayaa haddii aanay maxkamadda gobolka Hargeysi go’aan cad ka soo saarin
in dacwada suxufiyiinta lagu qaadayo xeerka Saxaafadda Somaliland, in uu
gebi ahaanba qaadici doono in suxufiyiintu hortagaan Maxkamadda, sababta
oo ah garsooruhu wuxuu diiday inuu qaraar ku soo saaro xeerka uu u raacayo
dacwadan labada suxufi, wuxuuna diiday inuu ogolaado damaanad ay labada
suxufi iyaga oo debada jooga iskaga difaacaan eedaha loo soo jeediyey”.
Afhayeenka Ururka SSJW waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi, “Waxa aanu
golayaasha sharci dejinta ugu baaqaynaa inay xeerkan saxaafadda Somaliland
ee ay saxaafadu dedaafaysay wax ka yidhaahdaan, si loo ilaaliyo shuruucda
dalka u taala”. Top
Dareenada
Mudanayaasha Wakiiladu Ka Bixiyeen
Xadhiga Masuuliyiinta Haatuf |
Hargeysa, January 14, 2007 (Haatuf) – Golaha
Wakiilada oo ku guda jira kalfadhi aan caadi ahayn ayaa fadhigoodii shalay
oo albaabadu u xidhnaayeen waxay mudanayaashu warbixin ka dhegaysteen
guddidii turxaan-bixinta khilaafaadka golayaasha qaranka ka metelaysay
golahooda.
Fadhigan oo albaabadu u xidhnaayeen, isla markaana saxaafadu ay dibada ka
joogtay oo uu goduuminayay guddoomiyaha golaha wakiilada Md. C/raxmaan
Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa la sheegay in goluhu warbixin kaga dhegaystay
guddoomiyaha ergadii turxaan-saarka uga qayb-gashay wakiilada Md. Maxamed
X. Maxamuud Cumar Xaashi oo sida la sheegay golaha uga xog-waramay
hawshoodii turxaan-bixintu inay meel fiican u marayso, isla markaana aanay
jirin wada xaajood burburey, isaga oo intaa ku daray in muddo afar
maalmood ka dibna ay wada jir u soo saari doonaan qodobada ay heshiiska
kaga gaadheen wada xaajoodkoodii u socday guddigooda saddexda gole qaran.
Kulankaa ka dib, ayaanu wax ka weydiinay saddex mudane oo ka soo kala
jeeda mudanayaasha saddexda xisbi qaran (UCID, Kulmiye & UDUB) ka kala
tirsan, kuwaas oo aanu wax ka weydiinay waxyaalaha ay kulankooda kaga wada
hadlayeen iyo sida ay u arkeen xadhiga masuuliyiinta Haatuf Guddoomiyaha
Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Cali Cabdi Diini oo muddo 14 maalmood
ah ku xidhan CID-da.
Ugu horeyn, Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale oo ka hadlaya kulankooda iyo
xadhiga masuuliyiinta Haatuf ayaa yidhi “Fadhigayagan albaabadu u
xidhnaayeen waxa uu ku saabsanaa warbixin ay gudidii turxaan-bixinta nooga
qayb-gashay ayna siinayeen, waxaanay noo sheegeen inay hawshoodu meel
fiican u marayso, afar maalmood ka dibna ay si wada jira u soo bandhigi
doonaan qodobadii ay heshiiska ku soo gaadheen guddiyadii kala sida xeer
hoosaadka goluhu dhigayana fadhiyo furan iyo fadhiyo gaaraba way ku xusan
tahay. Arrinta xadhiga msuuliyiinta Haatufna waxa imika gacanta ku haysa
maxkamada gobolka, waxaanuse u soo jeedinaynaana in kiiskaasi ay maxkamadu
si cadaalada uga garsoorto oo ay ka ilaaliyaan laaxinka, sidaas darteed
waxaanu ka war-sugi doonaa sida qaraarka maxkamadu noqdo”.
Md. Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo isagu ka mid ah mudanayaasha xisbiga
Kulmiye ayaa yidhi “Arrinta xadhiga masuuliyiinta Haatuf waxaan u arkaa
arin sharciyada dastuurka qaranka ka baxsanayd, habkii loo qabtay
xadhigooduna waa mid cadaalad darro ah oo ka soo horjeeda shuruucda
saxaafada, waananu cambaaraynaynaa”.
Md. C/kariin Aw Cali Shabeel oo isaguna ka tirsan mudanayaasha UDUB ee
golaha wakiilada ayaa isaguna yidhi “Arintaa xadhiga Masuuliyiinta Haatuf
hore ayaan uga hadlay, waxaanan anigu qabaa in xadhigooda shuruucda
saxaafada iyo dastuurka qaranka lagu dabaqo, isla markaana si cadaalada
dooda ay maxkamadu u eegto”.
Gebagabadii fadhiga waxa mudanayaasha loogu qaybiyey qorshe hawleedka
kalfadhiga aan caadiga ahayn iyo qodobada ajandahooda ay kaga doodi
doonaan. Top
Khasaaraha
Weeraradii Maraykanku Ku Qaaday Somalia |
Muqdisho, January 14, 2007 (Haatuf) – Tan
iyo intii Maraykanku weerarada Cirka ah ku qaadeen Raaskambooni iyo
deegaamada ku wareegsan ee Somalia todobaadkii ina dhaafay, waxa laga soo
weriyey in dad badan oo rayid ahi ku dhinteen halkaasi, balse dawladda
Washington marna kamay waramin sababta ka dambaysa weeraradaasi.
Warsaxaafadeed ay soo saartay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi, ayaa ka
soo xigatay afhayeenka wasaaradda Difaaca dalkaasi Sean McCormack inuu
yidhi waxa uu bartilmaameedkayagu ahaa xubin sare oo ka tirsan Al-Qaacida
oo hawlo Somalia ka waday.
Sidoo kale, ma jirto daadefayn iyo qirasho toona oo ay Maraykanku ka
bixiyeen weerarka cirka ee Maraykanka oo loo qaatay inay tahay mid ay ka
dalbatay Itoobiya oo ciidamadeedu difaac adag kala kulmeen
maleeshiyooyinka maxkamadaha ee agagaarka Raaskambooni.
Hase yeeshee, inta la ogyahay ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay weeraradan,
qaar kale oo badan oo ay ka mid yihiin dad xoolo dhaqato masaakiin ahina
dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay. Weeraradani keliya kuma koobnayn
Raaskambooni, balse waxa kale oo la weeraray Hayo, Gareer, Jankajirow,
Afmadaw iyo meelo kale.
Waxa keliya ee la ogyahay dadka la sheegay inay Al-Qaacida Xidhiidh la
leeyihiin ee gudaha Somalia ama ka baxsani waxay ay yihiin Abu Dalxa Al-Sudani
(reer Sudan), Saalax Ali Saalax Nabhan (Kenyan), Fazul Abdulle Mohamed
(Kenyan/Commorian), kaasi oo laga shakisan yahay in lagu dilay weeraradan
iyo Fahid Maxamed Cali Msalam (Kenyan).
Sidoo kale waxa ka mid ah Sheekh Maxamed Saalim Swedan, oo weli ku jira
dadka ay FBI-du aadka u raadinay, oo isna ka mid ahaa shakhsiyaadka la
beegsanayey.
Waxa ay wararku sheegeen in kooxahan argagixisada loo haystaa ay ku sugan
yihiin Raaskambooni, halkaasi oo ay la joogaan Maxkamadihii awooda laga
qaaday, kuwaasi oo ka talin jiray Muqdisho iyo meelo kale oo Somalia ah
intii u dhaxaysay June 2006 ilaa December 2006.
Hase yeeshee, ilaa hadda dawladda Maraykanku ma ay cadayn in dadka ay FBI-du
raadinaysay lagu dilay weeraradaasi iyo inkale. Top
Siiradii Rasuulka (SCW)
Waa buug dhawaan soo bixi doona oo magaciisa la yidhaahdo “Furaha Quluubta”,
waxaana qoray Qoraaga reer Somaliland ee Maxamed Xaashi Cismaan. Buuggan
waxa uu ka hadlayaa Siiradii Rasuulka {SCW), islaamka ka hor iyo jasiirada
Carabta. Haddaba waxaad kala socon doontaan Qaybihiisa Wargeyska Haatuf,
haddii Eebe Idmo oo uu si xidhiidh ah ugu bixi doono.
Qaybihii - 19aad
CUTUBKA LABAAD
TAFIIRTII NEBI ISMAACIIL CS
Nebi Ismaaciil Bin Ibraahim, wuxuu dhalay laba iyo toban wiil oo ah:
Naabit, Qaydar, Adbal, Maysha, Masmac, Maashi, Dama, Adar, Daym, Yadwar,
Nabash iyo Qaydum.Naabit Bin Ismaaciil wuxuu dhalay Yashjub, oo sii dhalay
Yacrab, oo isna sii dhalay Tayrax,oo sii dhalay Naaxuur, oo sii dhalay
Maqawim, oo sii dhalay Add, oo sii dhalay Cadnaan. Haddaba marka Cadnaan
la soo gaadho ayey u qaybsameen qabaa’il ilmo Nebi Ismaaciil. Cadnaan
wuxuu dhalay laba wiil: Macad Bin Cadnaan, iyo Cak Bin Cadnaan. Waana
labada ay ka tafiirmeen qabaa’ilka Carabtu.
Cak Bin Cadnaan wuxuu degay guriga Yaman, halkaas oo uu ka guursaday
Ashcariyiinta, markaasu dhex degay oo deegaankii iyo luqadiiba noqotay mid
keliya. Ashcariyiintuna waa ilma Ashcar Bin Nabat Bin Adad Bin Hamaysac
Bin Camar Bin Cariib Bin Yashjub Bin Zeyd Bin Kahlaan Bin Yashjub Bin
Yacrab Ibnu Qaxdaan.
Macad Bin Cadnaana wuxuu dhalay afar wiil: Najaar, Qudaaca, Qanas,iyo
Iyaad. Qudaaca waxay u guurtay xagga Ximayr Bin Saba, Qanas Bin Macad se
way madheen intii ka hadhay sida uu leeyahay Nusaab Bin Macad. Waxaana ka
mid ahaa Al Nucmaan Bin Al Mundir boqorkii Xiira.
ABTIRSIINTII RASUULKA SCW
Waa Muxammed Bin Cabdillaahi, Bin Cabdi Mudalib (Sheybah), Bin Haashim (Camar),
Bin Cabdi Manaaf (Almuqiira), Bin Qusay ( Zeyd), Bin Kilaab, Bin Murra,
Bin Kacab, Bin Lu’ay, Bin Qaalib, Bin Fihir, (oo la odhan jiray Quraysh)
Bin Maalik, Bin Nadar, Bin Kinaana, Bin Khuzayma, Bin Mudrika ( Caamir),
Bin Ilyaas, Bin Mudar, Bin Nizaar, Bin Macad, Bin Cadnaan, Bin Ad, Bin
Maqawim, Bin Naaxuur, Bin Tayrax, Bin Yacrub, Bin Yashjub, Bin Naabit, Bin
Nebi Ismaaciil, ( Bin Ibraahim, Bin Taarix (Aazar), Bin Naaxuur, Bin
Sawruq, Bin Raacaw, Bin Faalikh, Bin Caybar Ibnu Shaalikh, Bin
Arfakhashad,Bin Saam,Bin Nebi Nuux,Bin Lamak, Bin Mutawshalakh,Bin
Akhnuukh ( waa Idriis sida la yidhi ) Bin Yard, Bin Mahlayl, Bin Qaynan,
Bin Yaanish, Bin Shays, Ibnu Nebi Aadam. Waxaana la isku raacsan yahay
siduu Nebigu SCW sheegay abtirsiinta,oo la hubaa uun ilaa Cadnaan.
QOYSKII RASUULKA SCW
Raaska Nebiga SCW waxa loo yaqaan qoyskii Bani Haashim, kaasoo ah magaca
awoowgiisii labaad ee Haashim Bin Cabdi Manaaf. Markaasi bal aynu wax yar
ka sheegno xaalkii Haashim iyo kuwii ka dambeeyeyba. Waxaynu hore u soo
sheegnay inuu Haashim ahaa kii isagu u qabtay xilkii waraabinta iyo
sooridda xujaajta ilma Cabdi Manaaf, markii ay ku heshiiyeen ilma Cabdi
Manaaf iyo ilma Cabdi Daar inay qaybsadaan xilkii dhexdooda. Haashimna
wuxuu ahaa nin ladan oo sharaf weyn leh, waxaanu ahaa kii u horreeyey ee
xujaajta Maka ku siiya Sariidka ( oo ah hilib iyo kimis). Magaciisuna
wuxuu ahaa Camar, Haashimna looguma bixin waxaan ahayn kimistii uu u
burburin jiray xujaajta. Waxaanu ahaa kii u horreeyey ee Quraysh u
jideeyey labada safar ee jiilaalka iyo xaggaaga.
Warkiisana waxa ka mid ah inuu ganacsi ugu baxay xagga Shaam, oo markuu
Madiina gaadhay uu ku guursaday Salma Bintu Camar oo ah reer Bani Cadi Bin
Najaar, lana degay. Dabadeedna wuxuu u kacay xagga Shaam, iyana wuxuu kaga
sii tegay reerkoodii tiiyoo uur qaaday Cabdi Mudalib. Wuxuuna Haashim ku
dhintay Qaza oo dhulka Falastiin ah, haweenaydiisii Salmina waxay dhashay
Cabdi Mudalib sannadkii 497 ee miilaadiga. Waxayna u bixisay Shayba (ciro)
ciro ku tiil madaxiisa darteed, waxayna ku korisay gurigii aabbaheed ee
Madiina, mana ogayn qof ka mid ah qoyskiisii Maka deggenaa. Haashimna
wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abuu Sayfi, Nadla iyo Cabdi
Mudalib, iyo shan hablood oo ahaa: Alshifaa, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo
Janah.
Waxaynu hore u soo ogaanay in xilkii waraabinta iyo sooridda xujaajta uu
qabtay Haashim dabadii walaalkii Mudalib Bin Cabdi Manaaf. Waxaanu ahaa
nin haybad iyo sharaf leh oo la addeeco, qiimo weyna ku leh qoladiisa.
Qurayshina waxay u bixisay dhergiye deeqsinimadiisa darteed. Markii Shayba
waa Cabdi Mudalibe uu kuray noqday ama ka sii weynba ayuu Mudalib maqlay
warkiisa, waanu soo doonay. Markii uu arkayna ilmaa ka soo booday
indhihiisii waanu isku duubay, waxaanu damcay inuu ku soo qaado rakuubkii
uu watay. Markaasu Shayba ka diiday inuu raaco jeeroo ay hooyadii u
ogolaato, markaasu Mudalib weydiistay hooyadii inay wiilka raaciso, wayna
ka diiday. Wuxuuna yidhi: Wuxuu u socdaa inuu qabto xukunkii aabbihii, iyo
Xaramka Alle. Markaasay u ogolaatay, Makana wuxuu keenay isagoo la fuushan
awrkiisii, dadkiina waxay yidhaahdeen: Kani waa addoonkii Cabdi Mudalib,
oo waxay u qaateen addoon uu soo iibsaday. Markaasu yidhi: Waa hoogteen e
waa wiilkii walaalkay Haashim (waana taasi sababtii Shayba loogu bixiyey
Cabdi Mudalib oo ah addoonkii Mudalib). Adeerkii Mudalib ayaanu Maka la
joogay ilaa uu weynaaday, dabadeedna Mudalib wuxuu ku dhintay Bardmaan oo
dhulka Yaman ah, dabadiina waxa xilkii qabtay Cabdi Mudalib. Markaasu ku
dhaqay qoladiisii wixii ay aabayaashii ku dhiqi jireen, waxaanu ku dhex
yeeshay qoladiisii sharaf aanu midna gaadhin aabayaashii, waanay
jeclaadeen oo taladiisiina saamayn weyn bay ku yeelatay dhexdoodii.
Haddaba markii uu Mudalib dhintay waxa Cabdi Mudalib xilkii ka boobay
Noofal oo qasab kaga qaaday, markaasu arrinkii u soo bandhigay rag Quraysh
ah inay uga hiiliyaan adeerkii Noofal. Waxayna ku yidhaahdeen: Idin kala
dhexgeli mayno adiga iyo adeerkaa. Markaasu abtiyaashii reer Bani Najaar u
diray tixo tirtirsi ah, waxaana u soo gurmaday abtigii Sacad Bin Cadi oo
wata sideetan rakuub fuushan, ilaa uu degay banaankii dooxa Maka. Markaasu
Cabdi Mudalib la kulmay, oo uu yidhi: Abti ina keen aan guriga idin dejiyo
e, markaasu yidhi: Maya, Ilaahay baan ku dhaartee ilaa aan Noofal helayo.
Dabadeedna wuxuu u yimid Noofal isagoo la fadhiya Kacbada odayaal Quraysh
ah, markaasu Abuu Sacad seeftii galka ka saaray, oo uu yidhi: Rabbiga
Kacbadan leh baan ku dhaartee haddii aanad ku celin wiilka walaashay
xilkiisii in aan seeftan kaala daali. Markaasu yidhi: Waan ku celiyey,
waxaanu markhaati uga dhigay odayaal Quraysh ah. Markaasu ku degay gurigii
Cabdi Mudalib, oo uu saddex cisho la deggenaa, dabadeedna inta uu
cimraystay ayuu Madiina ku noqday. Markii ay taasi dhacday ayuu Noofal
xulufo la noqday ilma Cabdi Shamis Bin Cabdi Manaaf, ooy iska bahaysteen
ilma Haashim Bin Cabdi Manaaf. Markii ay reer Khuzaaci aragtay Bani Najaar
oo abtinimo ugu hiilisay Cabdi Mudalib, ayey yidhaahdeen: Anaguba waxaanu
u dhalay sida aad u dhasheen, anagaana u mudan hiilkiisa, taasoo ay
Haashim hooyadii ahayd Khuzaaca. Markaasay galeen Daaral Nadwa, waxayna
xulufo la noqdeen ilma Haashim oo ay isaga bahaysanayaan ilma Cabdi Shamis
iyo Noofal. Isbahaysigaasina waa kii sababta u noqday furiddii Maka, sida
aynu ku mari doono meeshiisa deriska furitaanka Maka. Cabdi Mudalibna waxa
u muhiimsan arrimihii ku soo maray Xaramka laba arrimood oo kala ah:
Qodistii ceelka Zamzamka iyo dhacdadii Maroodiga ee uu Abraha ku soo
duullay Kacbada, si uu u dumiyo.
WARKII ASXAABUL “FIIL” MAROODIGA
Xabashida ayaa qabsatay Yaman oo xukumaysay sannado halkaas, dabadeed waxa
taladii isku qabsaday Aryaad iyo Abraha, Xabashidiina way kala raacday.
Markay iska horyimaadeen labadoodii ciidan oo la isku dhowyahay ayuu
Abraha cid u diray Aryaad, in ay labadoodu isu soo baxaan oo ka la dilo
ciidankiisu ku biiro ka kale. Aryaadna wuu ka yeelay markaasu Abraha u soo
baxay, waxaanu ahaa nin gaaban oo buuran, oo Kiristaan ah. Aryaadna wuu
usoo baxay, waxaanu ahaa nin qurux badan oo dheer, gacantana ku haysta
waran. Abraha wuxuu iska dambaysiiyey wiil la odhan jiray Catwada si uu u
ilaaliyo dhabarkiisa, Aryaad ayaa ku sii daayey warankiisii oo ku dhuftay
Abraha, isaga oo la doonaya badhtamaha madaxa, wuxuu se kaga dhacay dhinac
jeexayna sanka iyo il iyo debnaha. Catwada ayaa Aryaad waran kaga soo
rideeyey Abraha xaggiisa dambe oo dilay. Ciidankii Aryaadna wuxuu ku
biiray kii Abraha, kuna urureen Xabashidii Yaman joogtay.
Dabadeed Abraha wuxuu ka dhisay Sanca kaniisad uu u bixiyay Alquleys, oo u
doonayey in uu u soo wareejiyo xajka Carabta. Wuxuu dhisay kaniisad aan
lagu arag iyadoo kale xilligeedii dhulkaba wax la mid ah. Markaasu warqad
u qoray Boqorkii Najaashi ee Xabashida, uu leeyahay: Boqoryahow anigu
waxaan kuu dhisay kaniisad aan weli loo dhisin iyada oo kale boqor kaa
horreeyey, mana nasanayo ilaa aan u soo wareejiyo iyada xajka Carabta!
Markii ay ka war heleen Carabtu warqadii Abraha u diray Najaashi ayaa waxa
cadhooday nin ka mid ah Alnasaah, markaasu intuu baxay u tegay kaniisadii
Alquleys oo uu dhexdeedii xaar la fadhiistay, dabadeedna ku toosay
reerkoodii. Markaasaa Abraha tii loo sheegay, wuxuuna yidhi: Yaa sameeyay
tan? Waxa lagu yidhi: Waxa sameeyay nin Carabta ka mid ah oo reer Maka ah,
oo uu ku yaal aqalka ay Carabtu u soo xajaan. Markuu maqlay hadalkaagii
inaad u soo wareejinayso xajkii Carabta ayuu ka cadhooday kuna xaaray
dhexdeedii, waayo uma qalanto taasi!
Abraha ayaa ka cadhooday tii, waxaanu ku dhaartay waa in aan gaadho
gurigaa (Kacbada) oo aan dumiyo. Dabadeedna wuxuu faray Xabashidii inay is
diyaariso ooy xidhxidhato, markaasuu hor kacay ciidankii isagoo maroodi
wata. Carabtiina way magashay taasi waanay baqdeen, waxaanay ula muuqatay
in jihaadkiisu xaq ku yahay markay maqleen inuu doonayo duminta Kacbada
guriga Ilaahay ee xurmaysan. Dabadeed waxa u soo baxay nin ka mid ah
ashraafta Yaman iyo boqoradooda oo la yidhaah, Du nafar. Markaasu u
yeedhay qoladiisii iyo kuwii ka yeelay Carabtii kale la dagaalanka Abraha
iyo ku jihaadka guriga Ilaahay ee xurmaysan, ee u la doonayo duminta iyo
kharaabinta. Kuwii u jawaabay Du nafar ayaa horjoogsaday Abraha oo la
diriray, Markaasu Abraha jabiyay Du nafar iyo ciidankiisii, loona soo
qabtay oo loogu keenay maxbuus ahaan. Abrahana wuxuu u socday hortiisii
isagoo u socdo wuxuu u soo baxay, ilaa markuu marayo dhulkii Khascam uu ku
horjoogsaday Nufayl Bin Xubiib oo wata labada qabiil Sharaan iyo Naahas,
iyo wixi ka raacay qabaa’ilkii Carabta. Wuu la diriray markaasu Abraha
jabiyey, Nufaylna loogu soo qabtay maxbuus ahaan. Masuu dilin Abraha ee
wuxuu u kaxaystay dal yaqaan ahaan, markuu marayo Daa’if ayuu u soo baxay
Mascuud Bin Muctib oo ku jira rag ka mid ah reer Saqiif. Waxayna ku
yidhaahdeen: Boqoryohow, waxaanu nahay addoomahaagii, ku maqlaya oo ku
addeecaya, agtayadana khilaaf kuuma yaal, ma ahana kaa aad doonaysaa
gurigayaga (waxay u jeedeen Laata} ee waxaad doonaysaa guriga Maka ku yaal,
ee waxaanu ku raacinaynaa cid ku tusta. Dabadeedna wuu iska dhaafay. Waxay
raaciyeen Abaa Riqaal si uu u tuso jidka Maka loo maro, Abraha ayaa baxay
oo uu la socdo Abaa Riqaal ilaa uu ku degay Almaqmas oo maka u dhow.
Markii uu dejiyey ayuu ku dhintay Abaa Riqaal halkii (Carabtuna qabrigiisa
way tuurtuuraan). Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Ka Quusta Somaliland Ama Xorriyada Hadalka U Halgama |
Xadhiga iyo dacwada lagu oogayo Gudoomiyaha,
Yusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha Haatuf Diini waxa ay tusaale uu tahay
indhihiina oo shan ah in la laalay qodobkii u dabeeyey ee aad halaaga iyo
dhibka iyo qaxa u soo marten. Waxa manta fal aan lala gabaneyn oo xishood
laheyn loola badheedey in lagu yidaahdo waa xadhig hadii aad tidaahdo
“MADAXWEYNE DAAHIR RAYAALE KAAHIN AYAA CIIDANKA KA SOO RAREY LAASCANOOD OO
KEENEY CAYNABA TAAS OO KA DHIGTEY IN XADKU CAYNABA YAHAY”. Waxa la ina
aqbalsiinaya in aynaan ka hadlin musmaasuuqa iyo xatooyayada lagu wadoo
hantida qaranka. Waxaad mooda inaga oo arkeyna in dalku dhaxal wareegayo
oo uu lumey waxaan dhammaan uu soo halganey.
Waxa inagu filan sida loo mareeynayo cabudhiinta ummada ee dhammaan
saxaafada intii kale aad moodo in ay bustaha hoosta ka gashey. Jamhuuriya,
Ogaal iyo dhamaan saxaafada waa qoolantahiin.
Awooda aynu haysano ee lagu diriri kara waa shacabka oo gadood ku soo baxa.
Waxaan soo jeedinaya in la abaabulo in banaabax lagu cabiro ku xadgudubka
xuquuqda muwaadinka, Hadii kale aan quusano.
Waxaa aad iga fajicsay sida aan loola gaban in la ina cabudhiyo oo aynu
hibad noqono. Waxa la ilaawey in hore waxii aanu heysaney oo dhan uu
burburiney xorriyada.
Waxaan rabaa in aan aarko wargeyska ku dhaca leh ee soo daabaca maqaalkan
aan gadoodno abaabulaya. Wargeyska oo qudha kuma deynaayo ee hubaal waan
abaabulaya ku dirirka xaqa.
GUUL IYO GOBONIMO.
Rashiid Hassan Ali. Top
Ina Sulub
Ceebtii Maahee, Waa Caadadii
Muj. Xasan Aw Cali |
Dhidar hadal ka dhacay waa halkuu dhaayaha u
laalaadiyaa, dhunkana moogow wuu garanayaa dheef u intuu u nacaye, dhugo
oo aduunyada waxaad dhigatee kuu yaala. Waxaa
maansadan i-soo xasuusisay hadalada curfiga iyo yaqyaqsiga ah ee ka soo
yeedhay wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub Maxamed oo shir-jaraa’id oo uu
ku qabtay xafiiskiisa si aqoondarro ah ugu aflagaadeeyey beel ka tirsan
beelaha Hargeysa iyo wargeyska Haatuf, waxaanse leeyahay ninka hadlaya
miyaanu ahayn ninka dhacdadii 2-dii February 2005-tii ka masuulka ahaa,
taas oo ahayd labadii marxuum ee ciidanka bileysku tacshiirada rasaasta ah
ku rideen, iyaga oo marayay agagaarka wasaarada hawlaha guud, ka dibna
halkaas ku geeriyooday, waxaan odhan lahaa isma oge agoon iyo aabaheed
ninkii dilay, balse la yaab malaha hadalada ka soo yeedhay ina sulub,
ceebtiina maahee waa caadadii oo hore ayuu dambi uga galay beesha uu
aflagadeynayo maanta.
Hase yeeshee dembiga hore maaha kuwo lagu qarin karo erayo raqiis ah oo
afkaaga ka soo yeedha, waxaanse odhan lahaa Ina sulub ceebtii maahee waa
caadadii, maxaa yeelay wax aflagaadop iyo musuqmaasuq ka culus ayuu ka
galay ummadda, wakhti munaasibana waa lagala xisaabtami, goobteed iyo
goorteed, waxaanan odhan lahaa arimaha aad wadaa ka weyn wax caqligaaga ka
soo baxay, adigiyo rag aad ka midatahayna ummaddu wy idinla socotaa, waana
munaafaqad aad cid gaar ah ku meelayseen hadalada wiswiska ah ee kaa soo
yeedhay, waxaan kuu soo jeedin lahaa inaad cuqdad nafsi ga iyo naxliga
uurkaaga buuxiyey aanad ummadda qaadsiin, balse aad isku daweyso xoolaha
qaranka ee aad sida xaaraanta ah ugu bahalowdayna ka waantow oo ubadkaaga
u danee, si aanay cuqubo iyo dhaxal xun ugu iman, waa hadaad caqligaaga ka
shaqaysiinayso, waxaanan kuu arkaa in xilka aanad u qalmin ee laguugula
soo khaldamay.
Waxaan ku soo gebagabaynayaa waxa looga sii daray markii ninka maqasha
dayacay geela loo diray. Top
|