Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1335 Feb.9, 2006

Somaliland Waxay U Baahan Tahay Aqoonsi Halka Ay Xaaladda Somalia-na Ka Sii Darayso

Xadhigga Suxufiyiinta Haatuf Iyo Sumcad Xumada Somaliland
Dr. Axmed Xuseen Ciise, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kulmiye

“Walaalkay Waxa Uu Maxkamad La’aan Xidhan Yahay Maalintii Sideedaad”

Xaaladda Batalaale Oo Degan Iyo Maleeshiyadii Iska
Horimaadku Dhexmaray Ciidamada Dawladda Oo Dib Loogu Saaray Meesha La Yidhaahdo Magab

“Shalay Adaa Daahir Doortay, Maantana Hadaanad Doonayn
Adiga Ayay Kugu Xidhan Tahay Ee Sannad Iyo Dhawr Bilood Ayaa Inoo Hadhay Ee Intaa Aynu Isu Samirno”

Xoghayaha Xisbiga UDUB Oo Cambaareyn Kulul Dusha
Uga Tuuray Mudaneyaal Wakiilada Ah Oo Uu Sheegay I
nay Shir Beeleed Ka Abaabulayaan Galbeedka Burco

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Dalka

Qaybtii Libaaxa iyo Habar-Dugaag
Cali Guuleed, Hargeysa, Somaliland

“Waxanu Xukuumadda Somaliland U Soo Jeedinaynaa
Inay Wax Ka Qabato Cidii Fulisay Amarka Sababay Dhimashada Iyo Dhaawaca”
Baaq


 


Somaliland Waxay U Baahan Tahay Aqoonsi Halka
Ay Xaaladda Somalia-na Ka Sii Darayso

FIONA MANGAN

Maqaalkan waxa la diyaariyey ka hor intii aan laga adkaan maxkamadihii Muqdisho ee Somalia

Beesha caalamka ayaa mar kale soo jaleecday Somalia bilihii ina dhaafay. Gaar ahaan Koonfurta Somalia.

Dhaq-dhaqaaqa maxkamadaha Islaamiga ah ayaa si lama filaan ah uga awood roonaaday dagaal oogayaashii, isla markaana halis geliyay dawladda Federaalka ah ee Somalia. Dhinaca waqooyiga ee dalka, waxa ka jira dimuqraadiyad, degenaasho iyo sharciga oo lagu dhaqmo oo soo jiidatay indhaha beesha caalamka. Tani waa Somaliland oo ka badbaaday burburka ku habsaday gobolkaasi.

Jamhuuriyadda Somaliland oo ah mid jirta oo aan la aqoonsanayn waxay ku taalaa waqooyiga fog ee dalkaasi. Waxay madax banaanideeda ku dhawaaqday 1991-kii, waxaanay xad la wadaagtaa, Djibouti, Ethiopia iyo Somalia, shan iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey madax banaanida Somaliland waxa ay samaynaysay horumar iyo dimuqraadiyad ku timid si nabadgelyo ah, taasi oo ah mid hoosta laga soo dhisay, laakiin aan haysan aqoonsigii ay u baahnayd si ay qaran madax banaan u noqoto.
Dawladda Somaliland waxa ay ku cel-celisay dalabkeeda ay aqoonsiga kaga doonayso beesha caalamka inay tahay dal madax banaan. Taas oo ah mid aan jawaab loo hayn, balse deg deg loogu baahan yahay.

Markii ugu horeysay muddo 16 sannadood, xooga keli ah ee ka soo baxay Somalia waa dhaq-dhaqaaqa maxkamadaha, kaasi oo u dhawaaday inay gacanta ku wada qabtaan inta badan Somalia. Inkasta oo in badan oo Maxkamadaha ka mid ah loo arko inay yihiin qunyar socod, haddana waxa ku jira kooxo xag jir ah oo ka mid ah hadhka qaab dhismeedkooda, taas oo indhaha gobolka iyo dunidaba ku soo jeedisay Koonfurta Somalia. Somaliland waa mid hadda u debecsan weeraro kaga yimaada kooxaha xag jirka ah ee uga soo hanjabaya xagga Koonfurta.

Beesha caalamku way qirsan tahay degenaashaha Somaliland, taasi oo dhalisay in gargaarka horumarineed loo kordhiyo, iyada oo midawga Yurub sannadkan 70% wixii ay u qoondeeyeen Somalia ay geliyeen waqooyiga, iyada oo abaal marin loogaga dhigayo degenaashaha gobolkaasi. Maalgelintani waxay sii martaa hay’ado caalami ah, si looga hortago aqoonsi.

Qaramada Midoobay ayaa si aad ah u joogta gobolka, isla markaana wada shaqayn la leh maamulka Somaliland. “Waa aanu la shaqaynaa dawladda Somaliland, laakiin weli waxa aanu nidhaahnaa Somalia”. Sidaa waxa yidhi, nin reer Somaliland ah oo u shaqeeya UN-ka.

Xubinimada Somaliland ee Midawga Afrika
Mawduucani waxa uu ku jiray Shirkii Midawga Afrika, ee December 2005, ka dib markii uu madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin dalabka xubin ka noqoshada Midawga AFrika ee dalkiisa uu u gudbiyey AU-da, waxaana la qorsheeyey in mawduucaasi la iskula soo qaado shir madaxeedkii todobaad ee Midawga Afrika, ee lagu qabtay horaantii July xarunta dalka Gambia ee Banjul. Laakiin mar dambe ayaa ajandaha laga saaray.
Dalabka Somaliland ee madax banaani ay ka qaadato Somalia
Dalabka Somaliland ee ah madax banaani ay ka qaadato Somalia, waxa uu salka ku hayaa xaalad gaar ahaaneed oo taariikh dheer leh.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ahayd Maxmiyadii hore ee Ingiriiska, waxaanay ku taalaa waqooyiga galbeed ee Somalia, iyada oo xad la wadaagta Ethiopia, Djibouti iyo Somalia.

1960-kii Somaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay Britain, waxaanay qaran ahayd muddo lix maalmood ah, ka hor intii aanay midnimada la gelin Somalia oo Talyaanigu gumaysan jiray, si ay u sameeyaan dal keli ah.

Wax kasta oo ka dambeeyey nayaayiradii madax banaanida, waxay markiiba isku bedeleen uumi bax, waqooyigu ma helin wixii ay xaqa u lahaayeen, ee xaaladaha siyaasada iyo dhaqaalaha ee laga go’doomiyey, taasi oo ay isa sii kaba raacisay 1969-kii, ka dib markii uu awooda dalka xoog ku qabsaday Maxamed Siyaad Barre, taasi oo markii dambe sababtay mucaarad ay sameeyeen ururkii SNM 1981-kii. Taasi oo uu Siyaad Barre kaga jawaabay duqaynta cirka iyo dhulka ee noocyada kala duwan ee hubka ee uu maamulkaasi kula kacay dadkii ku dhaqnaa waqooyiga, caasimadiisa Hargeysa, si looga saaro.

Waxa intaasi dheeraa oo maamulkaasi kula kacay beesha Isaaqa ee ugu balaadhan waqooyiga inay lagula kaco isir tir, kuwaasi oo ah laf-dhabarta SNM-ta.

Markii Siyaad barre Barre laga tuuray awooda ee Somalia gashay xaaladaha dagaal, iyo dhacdooyinkii ay ka midka ahayd Black Hawk down, Somaliland waxay ku dhawaaqday madax banaanideeda, waxaanay dhisatay nabadgelyo ku salaysan hab qabiil.
Ku dhawaaqistaa ka dib, SNM hogaankeedii siyaasadeed iyo milateriba waxa ay qaateen nabad, iyo dawlad rayid ah oo ay awooda ku wareejiyeen.

Barnaamijyo hub ka dhigis iyo dib u jihayn iskugu jira ayaa loo sameeyey dagaal-yahankii SNM iyo maleeshiyooyinkii qabaa’ilka, taasi oo iyadana lagu guulaystay.

Qaranku wuxuu samaystay hay’ado dawladeed iyo hanaan qaranimo oo horumar sameeyey.

Waxa kale oo ay samaysay doorashooyin dimuqraadi ah oo ay ugu dambaysay doorashadii baarlamaanka ee September 2005.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hadda ku jirtaa xaalad kala guur ah oo u dhaxaysa waqti qaranimo iyo madax banaani loo hayaamayo, iyada oo aanay dunidu aqoonsan, hase yeeshee weli way shaqaynaysaa, inkasta oo waxa ka horjooga inay gaadho horumar dhaqaale yahay aqoonsi la’aanta.

Soo bixitaanka maxkamadaha Islaamiga ee Somalia ee sida lama filaanka ah ku yimid, waxay la wareegeen inta badan Somalia, iyaga oo ku sii durkaya xagga waqooyiga, iyada oo ay shaki la’aan tahay in Somaliland gacan bir ah kala hortegi doonto, weeraro kaga yimaada xagga maxkamadaha, haddana beesha caalamku waxa ay u arki uun degenaasho la’aan soo food-saartay, sababta oo ah ma jirto cid u aqoonsan xuduudaheeda dal ahaaneed, taasina waxa ay ku daraysaa dagaalada iyo degenaasha la’aanta markii horeba Somalia inteeda kale ka taagnaa.

Taasi oo aan ahayn wax ku cusub Somalia, laakiin duminta Somaliland waxay la macno noqonaysaa baabi’inta hanaan dimuqraadi Afrikaan ah oo shaqeeeyey [lagu guulaystay inta hoos laga soo dhisay]
“Waxa aanu doonaynaa inaanu bad-baadno, waxa aanu ka cararaynaa ummadaha sharlawga, waxaananu doonaynaa in aanu wax la qabsano ummadaha nabada iyo horumara jecel. Waxaananu beesha caalamka ka sugaynaa inay na aqoonsadaan. Taasi oo ah waxa aanu u qalano” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Aqoonsiga Somaliland maaha mid ku furaya dunida mawjado gooni u goostayaal ah, laakiin waxa ay haysataa arrin iyada u gaar ah, oo ku salaysan nidaam taariikheed oo ah waqti ay madax banaani lahayd, balse ay 1960-kii midnimo si mutadawacnimo ah ula gashay Somalia.

Sii wadida in la iska dhega tiro maamulka dimuqraadiga ah ee shaqaynaya, cagihiisana ku taagnaa 15-ka sannadood, waxa ay noqonaysaa cambaar siyaasadeed oo go’doomin ah, curyaamin dhaqaale oo soo waajahda kor u kaca dhaqaale ee hadda jira iyo nabadda iyo degenaashaha oo burbura.

Top


Xadhigga Suxufiyiinta Haatuf Iyo Sumcad Xumada Somaliland
Dr. Axmed Xuseen Ciise, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kulmiye

Aqoonsiga Somaliland waxyaabaha hore u marin kara waxa ka mid ah sumcad wanaaga dalka, sharci ku dhaqanka iyo xoriyatal qawlka. Waxay ugu horeeyaan astaamaha lagu qeexay “millennium goals” ee maanta aduunku ku xisaabtamo. Sumcad wanaagsan oo aduunku kugu bartaana waxay kuu soo jiidi kartaa, maalgelin iyo horumar dhaqaale iyo saaxiibo caalamka wax kaa tara. Waxay ka mid tahay talooyinka diblomaasiyiinta iyo aqoonyahanaduba inagula taliyaan nabad iyo sumcad wanaag lagu seexdo laguna soo tooso. Nasiirb darrado waxa weeye in durba Amnesty International iyo President Jimmy Carter ka cawdaan xukuumadda Somaliland.

Waxaan xasuustaa mar dhawr sanadood laga joogo oo maamulkii Madaxweyne Marxuum Maxamed Ibrahim Cigaal uu xidhay tafaftirhii Jamhuuriya, Xasan Saciid. Waxaan markaa ku sugnaa dalka Gambia. In Somaliland xidhay nin suxufiya waxa lagu qoray maalinlaha Gambia isla markii Xasan la xidhay. Subaxaa meel wal oo aan tago waxa la igu weydiiyey sababta ninkaas loo xidhay. Weliba waa waddan Afrika ku yaal.

Xidhitaanka weriyeyaasha, maamulayaasha iyo taageerayaasha Haatuf waxay dib ii xusuusiyeen maalmo hore. Maanta oo aan socdaal kaga maqannahay dalkii, dadkii ajnebiga ahaa ee aanu asxaabta ahayn ee halgankii qayb nagala ahaa, waxay i wada weydiinayaan raggaa xidhan iyo waxay u qaban karaan. Ma sidii Siyaad Barre ayaanu canbaarayn qornaa, ma waxaanu nidhaahnaa mucaawinada ka joojiya Somaliland? Iyo su’aalo kale oo la mid ah. Waxaan ilaa imika ugu jawaabaa, maya waxba ha samayninna, annagaa dhammayn doona. Haddana markaan arko xaalku sida uu u socdo iyo iyada oo caga-juglayn, Mandheera u dhaadhicin iyo xidhitaan muwaadiniin kale, is leeyahay mala waad khaldan tahay ee xadkiibaa la sii dhaafayaa. Malaha Labaatan Jiro ayaan meesha ka dhawayne Maandheeraba waa la isla dhaafi lahaa.

Xukuumaddii iyo dawladnimaddii aan samaystay ilaalinteedu waa igu khasab dulqaad farabadan iyo tanna waydun ka gudbi ee hore uun u socda. Balse malaha xadkiibaa la sii dhaafayaa. Waxaan inoogana ducaynayaa inaynaan xadka isla dhaafin. Haddii xadka la isla dhaafo (Alla inaguma keeno eh) waxa dhici karta iska horimaad iyo wanaagan aynu ku faano oo inaga burbura…Mar wal oo dalka dhibaato ku timaadana waxa eeda leh, imikana yeelan doona hogaaganka ka haya iyo inta ku xeeran. Ugu yaraan waxaynu lumin doonaa sumcaddeenii wanaagsanayd.

Waan akhriyey inta badan maqaalada Haatuf lagu eedeeyey. Laba waxba wey ka hadli jireen: dhaliil maamuladii Somaliland ka jiray iyo musuqmaasuq cad. Labada arrimood midna ma aha wax suxufi loo xidho. Maamul kasta oo jira waa la dhaliili karaa, muwaadinkuna wax-qabadka ka xilka u haya wuu ka hadli doonaa, ninka madaxda ahna ee xil qaadayna isaga ayaa “daalaca bannaan u sii baxay oo i arkaay yidhi”. Eeda Musuqmaasuqna xaq waxaad u leedahay inaad iska leexiso, beeniso, soo bandhigto waxa jira…waa haddii aad daadafayn karto.

Waxa toddobaadkii hore u dhammaaday taageeryaasha Kulmiye Shirweyne London ka dhacay oo aan is leeyahay aqoonyahan, waayeel iyo waayo arag wuu xad dhaafiyey. Laba arrimood ba shirkaa aad baa loogaga hadlay lagana baaqay:

1) Xadhiga Weriyaasha oo xukuumadda Somaliland loogu baaqay in la sii daayo bilaa shuruud oo loo arko in xadhigooda sharcina aan loo marin iyana loo awood sheegtay. Horena xoog isbid Somali meel ay joogtaba way ku jabtay.
2) Inay la yaab tahay in saddexda xisbi ee tartamaya mid yidhaahdo garsoorkii doorashada ee 7da ahaa 5 baan maqaacaabayaa distoor iyo caqli mar midna aan ahayn.
Labadaa arrimood midna kumay khaldanayn dadkii u dhashay reer Somaliland ee shirkaa isugu yimid. Yaan la is Dhayalsan!
Nin weriye ah ayaa maalin dhawayd yidhi aan ku waraysto, waxaan ku idhi diyaar uma ahi waraysi. Wuxuu iigu jawaabay “oo miyaanad xaaladdan adag ee dalku marayo waxba ka odhanayn” Waxaan ugu jawaabay “jeel magnuunka Berbera qofka waalan iyo ka in yar miyir qaba beri baa lagu kala garan jiray inta badda la geeyo loo dhiibi jiray foosto hoosta ka daloosha oo la odhan jiray biyo ka buuxi….qofka garta in foosto daloosha aan la buuxin karayn…waa la sii dayn jiray oo ma waala baa la odhan jiray….. Markaa haddii kun jeeroon hadlo waxba la iga hoos qaadayn, sii hadalkaygu nin waalan buu iga dhigayaa” Balse aamusi waayey oo waanigan caawaba hadlaya mana waali eh waxaan is idhi malaha mar uun baa wax lagaa qaadan.

Maqaalkan waxaan ku gunaanadayaa in labada arrimood ee kor ku xusan deg-deg wax looga qabto dalka iyo dadka iyo sumcadda Somalilandna la badbaadiyo. Uma baahnin in Amnesty International iyo dadkii xuquuqda dadkeena u halgami jiray maanta inay inagii inala yaabaan. Waar ma meesha uun baad Siyaad Barre ka riixanaysayn, ilayn idinba xuquuq iyo distoor midna dan kamaydaan lahayn. Maya! waanu ka lahayn, kana leenahay ee waxbaa si naga yar noqday ee way saxmi doontaa dhakhso haddii EEBE IDMO.

Xeer Ilaalinta Oo Dalbatay In Kiiska Cali Qoryoolay Iyo Mujaahid Bacood La Kala Saaro
Xeer ilaalinta gobolka Hargeysa ayaa shalay maxkamadda degmada Hargeysa ka dalbatay in la kala saaro kiiska Cali Dool Axmed (Qoryoolay) iyo Mujaahid Xasan Gaaxnuug Jaamac (Bacood) oo ay hore ugu soo wada eedaysay inay kaadhadh qaybinayeen.

Xeer ilaalintu waxay sidaasi ka dalbatay maxkamadda degmada Hargeysa, ka dib markii shalay abaaro 10:28 AM la horkeenay Cali Dool Axmed (Qoryoolay) oo ay ciidanka bileysku ka soo qabteen meel Mac-macaanle ah oo ku taala Hoteelka Togdheer ee magaalada Hargeysa Sabtidii todobaadkani.

Ugu horeynba markii ay maxkamaddu furantay, waxa ay Xeer ilaalintu maxkamadda ku tidhi. “Waxaanu u baahanahay in la kala saaro Bacood iyo Cali Qoryoolay qodobkoodii aanu ku soo wada eedaynay ee ahaa inuu Cali kaadhadh qaybiyey”
Hase yeeshee, Cali Qoryoolay, isaga oo ka jawaabaya su’aasha eeda ayaa Xaakimka ku yidhi “Kaadh la xidhaa dee dambi maaha, hadday kaadh la xidhaa dambi tahay Hargeysa kaadh ayey wada xidhan tahay, saddex cisho ka hor ayaan kaadhka haystay, sidaa darteed, waxaan la jeclaystay inaan siiyo si ay u soo xidhaan saaxiibaday, kaadh la xidhaana maaha dambi, haddii kaadh la xidhan yahay dambi noqonayo, waa in la soo wada xidhaa dadka kaadhadhka xidhan”.

Ka dib ciidankii CID-da ahaa ninkii ka socday ee waday Cali waxa uu u sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada inay is-arkeen Xeer Ilaalinta oo ay doonayaan in kiiskii hore ay u bedelaan kiis cusub oo ah inuu wada abaabul iyo kicin, samayn fad-qalalo, sidaa darteedna Cali doonayey in lagu mudaharaado maxkamadda, kiiskii Haatuf maalintaa, waxaanu u keeni waynay markaanu ka war helnay inuu Cali wado kicin.

Cali oo kiiskaa cusub ka jawaabaya ayaa Gudoomiyihii ku yidhi, waad joogteen’e miyaad hayseen cid kaadh sidata oo timid maxkamadda waa la wada joogaay’e, mise waxaad haysaan cid kaadhadhkii inta ay xidheen sameeyey mudaharaad, sidaa darteed waxaan u arkaa qalqalgelin qaran.

Waxaanan u baahnahay in aan helo xoriyadayda oo aan muddo maanta ku shan tahay aan ku xidhanahay bilaa dambi, hadaad ii baahataana waad ii yeedhi kartaan si aan idiin horimaado maadaama aanan ahayn dambiile.

Top


“Walaalkay Waxa Uu Maxkamad La’aan Xidhan Yahay Maalintii Sideedaad”

Xasan Gaaxnuug Jaamac oo ku magac dheer Bacood oo ka mid ah mujaahidiinta SOOYAAL ayaa maalintii sideeda ku jira saldhiga dhexe ee Hargeysa, iyada oo aan maxkamad la horkeenin, ka dib markii lagu soo qabtay garan uu gashanaa.
Markii aanu xadhiga walaalkay kala hadalnay Taliyaha bileyska Somaliland waxa uu noogu jawaabay “Gabadha Madaxweynaha ayaa haysata”.

Markaa gabadha madaxweynuhu intay maxkamadda timaado maxay waxay u haysato ugu cadayn weyday. Waxani waa kicin dadka iyo dalka lagu kicinayo.

Bacood waxa uu ahaa Mujaahidiintii SNM, xabadihii ku dhacayna ilaa imika way ku yaalaan, in wax loo qabto daayoo, maanta bilaa sabab ayuu jeelka u dhex fadhiyaa.
Gabadha madaxweynuhuna haku ekaato marwonimadeeda, ninka dalka xukumaana hala hadlo oo yaanay dadka iska xidh-xidhin.
Hinda Gaaxnuug Jaamac, Hargeysa

Top


Xaaladda Batalaale Oo Degan Iyo Maleeshiyadii Iska
Horimaadku Dhexmaray Ciidamada Dawladda Oo Dib Loogu
Saaray Meesha La Yidhaahdo Magab

Berbera, February 9, 2007 (Haatuf) – Xaalada jiida Batalaale ayaa degenayd 48 saacadood ee ina dhaafay, ka dib markii ay hakisay xukuumaddu weeraradii ciidan ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, ee maalintii doraad iska horimaadku ku dhexmaray ciidamada dawladda iyo maleeshiyo beeleed halkaasi joogta.

Ma jiraan warar rasmi ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay khasaaraha halkaasi ka dhacay iyo sababta keentay iska horimaadka dhexmaray maleeshiyada hubaysan iyo ciidanka bileyska iyo Milateriga, balse sida uu ku soo waramay Weriye Axmed Aadan Dheere oo Haatuf uga soo warama gobolka Saaxil waxa jira dhaq-dhaqaaqyo ay odayaal reer Berbera ahi wadaan oo ay ku doonayaan inay maleeshiyada halkaasi kaga saaraan xal nabadeed.

Sida laga soo xigtay ilo ku dhaw dhaw deegaankaasi maleeshiyadii iska horimaadku dhexmaray ciidamada dawladda ayaa xalayba ka baxay safkoodii hore ee difaaca, ka dib markii odayaashaas iyo Wasiirka Gaashaandhiga Aadan Mire Waqaf kulan ku dhexmaray magaalada Berbera dhexdeeda habeen hore. Kaas oo lagaga wada hadlay sidii xaaladan loo dhamayn lahaa.

Maleeshiyo beeleedkii iska horimaadku dhexmaray ciidamada dawladda ayaa la sheegay in loo saaray meesha la yidhaahdo Magab oo qiyaas 30km bari kaga beegan Berbera, iyada oo ay ciidamada dawladuna weli ku sugan yihiin jiida Batalaale.

Sidoo kale, waxa shalay gelinkii hore magaalada Berbera lagu aasay laba marxuum oo ka kala tirsanaa ciidanka Qaranka iyo maleeshiyo beeleedka oo ku dhintay iska horimaadkii doraad ku dhexmaray labada dhinac Batalaale.

Waxa kale oo magaalada Berbera labadii maalmood ee ina dhaafay ku sugnaa Wasiiradda arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, balse labada wasiir midkoodna wax war ah kama soo saarin dhacdadan Batalaale.

Top


“Shalay Adaa Daahir Doortay, Maantana Hadaanad Doonayn
Adiga Ayay Kugu Xidhan Tahay Ee Sannad Iyo Dhawr Bilood
Ayaa Inoo Hadhay Ee Intaa Aynu Isu Samirno”
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Oo Tababar u soo xidhay 30 Suxufi Oo Warbaahinta dalka ah

Hargeysa, February 9, 2007 (Haatuf) – 30 suxufi oo ka tirsan warbaahinta kala duwan ee Somaliland ayaa dorraad Tababar soconayay laba todobaad loogu soo geba-gabeeyey Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Tababarkan ayaa muddadii uu socday waxay suxufiyiintu ku baranayeen duruus la xidhiidha habka baadhista loogu sameeyo arrimaha ka dhanka ah bini’aadminimada, Musuqmaasuqa, Dilalka iyo wixii la midka.

Xaflad loo sameeyay xidhitaanka Tababarkan ayaa waxa ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Hay’adda UNDP iyo marti sharaf kale.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cali Cilmi Geelle oo halkaasi ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey suxufiyiintii ka kala socday warbaahinta kala duwan ee Somaliland isaga oo kula dardaarmay inay casharadii ay ka barteen muddadii uu socday tababarkani in ay ku dabaqaan mihnadooda saxaafadeed ee ay hayaan sidoo kale waxa uu u mahad naqay Hay’adda UNDP oo iyadu maalgelisay.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada Warfaafinta Cali Cilmi Geele oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay saxaafaddu tahay seef laba af leh oo kolba sidii loo isticmaalo shar iyo khayrba noqonaysa, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Saxaafaddu waa midi laba af leh oo kolba sidii loo isticmaalo ayay noqonaysaa, waxyaabaha aanan jeclaysan marka aan saxaafadda ka akhristo waxaa ka mid ah maqaalkan aad qorayso waa inaad is weydiisaa saamaynta uu ku yeelanayo shacbiga, kaba soo qaad waxan aad qorayso inay run tahay, laakiin wadankan aynu joogano iyo aduunkan aynu ku dayanayno Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo inagu ma isku mid baynu nahay? Maya. Ma nihin dawlad la aqoonsaday, ma nihin dal dhaqaalihiisu wacan yahay, marka aad wax qorayso, waxaa wanaagsan inaad eegto waxanaad qorayso, waliba masuuliyadu waxay saaran tahay tifaftirayaasha.”

Wasiir ku-xigeenka Warfaafintu isaga oo hadalkiisii sii watana waxa uu yidhi, “Waxa jira waxyaabo badan oo run ah oo aan loo-baahnayn inaad qortaan adiga oo eegaya maslaxada dadkaaga iyo dalkaaga, waxaynu higsanaynaa inaynu helno aqoonsi, marka uu arko ninkii aad ka ololaynaysa ee jooga meel kale adiga oo markasta saaran maamulkaagii dawladda waxa uu odhanayaa waar waxani waxba maaha.”

Mudane Cali waxa uu yidhi “Hebel iyo hebel iyo hebelow, waxaan idiin sheegayaa idinka iyo Daahir Rayaale Kaahin isku-mid baad tihiin, waxkasta oo joornaaladeena lagu qorana Hay’addaha inala joogaa way turjumaan, marka iyaga loo eegana iyagu Daahir Rayaale qof reer Somaliland ah uunbay u arkaan, hadba sida xumaan looga sheegaana waxay saamayn ku yeelanaysaa mujtamaca Somaliland, waxaanay odhanayaan mar haddii Madaxweynahoodiiba sidan yahay maxay sheegayaan. Sidaa awgeed waa inay saxaafaddu iska ilaalisaa waxyaabaha Ummadda kala fogeynaya. Tusaale ahaan maalin dhawayd saddex nin ayaa la isku soo ag sawiray oo isku reer ah oo la yidhi waxay ka ololeynayeen nin kale oo masuul ah, markaa qofka akhrisanayaa muxuu u turjumanayaa, walaal waxaa jira dad aan aqoontoodu sii fogayn marka ay akhristaan ama loo akhriyo maxay odhanayaan, anigu Cali ahaan warkaasi wuu jiraa iyo ma jiro toona odhanmaayo laakiin waxaan idinkala hadlayaa itikis ahaan wakhtigan aynu maanta joogno inaad waxaas oo kale soo bandhigtaan ilama haboona, aniga oo dalkaaga u tudhaya. Waxa kale oo aan dadweynaha maanta i dhegaysanaya u sheegayaa wixii aynu soo-marnay waad ogaydeen qof kasta oo aad neceb tahay oo xil haya oo maamul hayaa wuu iska tegayaa ama wuu dhimanayaa, waxase aan wedka lahayn waa dalkeena waana masuuliyad ina saaran inaynu u tudhnaa. Ninka meesha jooga hadaad necebtahay iyo hadaad jeceshahayba wuu tegi-doonaa ama doorashaa iman oo qofka gacantiisa ayay ku xidhan tahay, shalay adaa Daahir doortay oo Madaxweyne kuu ahaa, maanta hadaanad doonayn adiga ayay kugu xidhan tahay.”

Md, Cali Geele waxa uu warbaahinta Somaliland kula dardaarmay inay wax wasaagsan oo dalka dhisaya daabacaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: "Haddaba waa inaad warbaahinta dadka ugu sawirtaan inaynu nabad ku gaadhno doorashada danbe, inuu Daahir heli iyo inuu qof kale heli ILLAAHAY ayaa og, ugu danbayn mihiimada hadalkaygu waxa weeye sannad iyo dhawr bilood ayaa inoo hadhay ee intaa aynu isu samirno oo is iimaansano.”

Maria Frauenrath, oo ahayd Macalimadii bixinaysay tababarka oo iyana halkaasi ka hadashay, ayaa waxay tidhi: “Waxaad ogaataan dadka saxaafadda ka shaqeeyaa aanay ahayn dad la yaraysan karo hawshooda awgood. Haddana way dhici kartaa inay doodo ka dhashaan qoddobada aan ka hadlayey ee aynu isugu nimi mar-walba noqota mid fikirkeena aynu ku cabirno. Waxaan mahad naq gaar ah u soo jeedinayaa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasiir ku xigeenka, maadaama ay suura galiyeen inay nagala soo qayb galaan furitaankii iyo xidhitaankii barnaamijka. Maaha markii ugu horaysay ee aan Somaliland imaado, waxaa ka mid ahayd wakhtiyadii aan iman jiray 1994. Somaliland iyo saxaafadeeda qayb ayaan ka soo qaadan jiray aniga oo ka mid ahaa dadkii halkan iman jiray (Hargeysa) ee tababarada bixin jiray. Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan mar labaad ku soo laabto Somaliland oo aan la kulmo wajiyadii markii horena tababarka aan siiyey, waxa kale oo aan mahad gaar ah u dirayaa Hay’adda UNDP oo suura gelisay inaan mar labaad ku soo noqdo Somaliland oo aan barnaamij noocan oo kale ah aan ka qayb qaato, isla mar ahaantaana igu reebi doonta xusuus aan markii horena aan haystay, fursadana isiisay inaan mar labaad halkan ku qaato. Runtii idinkana (Suxufiyiinta) waad mahadsan tihiin maadaama aad ii suurta geliseen inaan barnaamijkan aan idinkala qaybgalay oo aan idinka qaato khibrad ka duwan tii hore ee aan haystay. Waxaa ii farxad ah sida aad u muujiseen wax qabadkiinii iyo kartidiina saxaafadeed iyo sida aad uga soo qayb qaadateen barnaamijkan, dhiiri gelin iyo farxad ayay isiisay, waxa aad la shaqayseen dad inta badan aanay saxaafadu muujinin codkooda waxaan dhamaantiin idiin rajaynayaa maalin uun wakhtiga ay doonto ha noqoto aniga oo London jooga ama Khartuum in marka aan telefiishanka shido aan idinka dhex arki karo maadaama hiigsigiinu dheer yahay, waxaan markasta jecelahay inaad noqotaan borofiishinaal oo xaqiiqadana aad raadisaan, oo dabadeedna noqotaan dad u shaqeeya sidii ay saxaafaddu u shaqayn jirtay dhiiranaantiina awgeed.”

Khaddar Maxamuud Guuleed oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda UNDP oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay tahay saxaafadu seef laba af leh oo waxna dhisi karta waxna dumin karta isla markaana loo baahan yahay masuuliyadeeda.

Top


Xoghayaha Xisbiga UDUB Oo Cambaareyn Kulul Dusha
Uga Tuuray Mudaneyaal Wakiilada Ah Oo Uu Sheegay I
nay Shir Beeleed Ka Abaabulayaan Galbeedka Burco

“Waxaan Odhan Lahaa Raggaas Aynu Shaambad Gaar Ah Ku Dhufano Oo Haynoo Calaamadsanaadeen”

“Waa lagu khaldamay [suxufiyiinta Haatuf] maan odhan ee …”

“Dadka Inta Ugu Rabshada Jecel Waa Inta Wax Haysata, Nin Habeeno Casheeyey Inuu Caafiyadiisa Cabaar Meel La Fadhiisto Cimrigiiba Lawaa”

“Xeerka Guddida Nabadgelyada Waxaan U Arkaa Mid Faa’iido Leh”

Hargeysa, February 9, 2007 (Haatuf) – Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa sheegay in loo baahan yahay in shaambad gaar ah lagu dhufto kooxo Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada oo uu sheegay inay abaabulayaan shir beeleed galbeedka Burco ah, isla markaana wuxuu xoghayuhu difaacay xukunada ay ridaan guddiyada nabadgelyada gobolada Somaliland oo uu sheegay inay yihiin qaar lagu dhaqmi jiray ilaa wakhtigii Ingiriiska oo faa’iido u leh bulshada.

Xoghayuhu wuxuu sidaas ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta xisbiga UDUB ee magaalada Hargeysa. Waxa kale oo uu Xogahayaha UDUB si xaal mastuur ah xukuumadda uga difaacay eedaha dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ugaga imanaya xadhigga ay kula kacday suxufiyiinta Haatuf.

Shirkan jaraa’id oo ay Xoghayaha kala soo qayb galeen Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UDUB, Afhayeenka Xisbiga, Gudoomiyaha wacyigelinta, Xubno ka tirsan Gudida fulintaa ee xisbiga iyo Taageerayaasha xisbiga UDUB iyo marti sharaf kale, waxa uu ugu horeyn Xoghayaha UDUB, Mr. Bulaale hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi: “Gobolkaa Togdheer Anigu (Bulaale) waan ku dhashay anigoon faaninayn taariikh caana ayuu lahaan jiray, taariikhdanaa waxa u sameeyey dadka u dhashay ee u talin jiray halgankii, Aqoon, iyo caqli ayaa hogaamin jiray gobol ahaana muu noqon mid dambena laga eego. Waxaadse mooda sannadadan dambe Xaasha lilaah Togdheer wada sheegimaayo Galbeedka Burco ayaan ka hadlayaa, doorashaynu galnay dimuqraadiyad ayeynu qaadanay, aqoonyahanadii sida dimuqraadiga ah loo soo doortay [wakiilada] ee ay dadku iska soo xuleen ee ay yidhaahdeen waa kuwaa kuwii noogu cilmiga badnaa ama noogu siyaasisanaa, ayaa kolba intay Afar halkan ka tagto Galbeedka Burco tageysaa, maatidii soo dooratay ayey sirayaan, iyagoo ooyaya oo leh shir-qabiil ayaanu qabsanaynaa, xagey ku ilaabeen doorashadii la soo doortay, xagey kaga tageen xilkii ugu sareeyey ee loo doortay sharci-dejinta dalka. Maxay ku jeclaysteen inay qabiil hoose noqdaan, ilaahaybaan idinku dhaariyee kuwaasi ma sharaf ayey korodhsadeen! mise way casilmeen ? Waxaan qabaa inay casilmeen. Ragga halkaas gaadhay ee sidaasi ku fikirayay anigu waxaan odhan lahaa aynu shaambad gaar ah ku dhufano oo haynoo calaamadsanaadeen iyaga iyo wixii ku soo biiray ee noocaas ahba, taariikhda Burco-na ceeb bay u geysten, laakiin raggii hogaamin jiray baa ka baxay. Wuxuu yidhi ninkii ka gabyey ‘Burco dalyaqaanadii baa ka baxay daadahayn jiray, da’dii la arkay waxa soo bedelay daasado madhane, dundumooyin iyo waa qalfoof dumarku dhaamaan, dambas baa u hadhay reerihii dawladda ahaa’, kuwaa aan halkaa ku dhaafo.

Waxa jira dad dareenkiisa lagaga fogaado bulshada, beryahaa waxa la yidhaahdaa xukunkii Afweyne lagu qaaday, Maxkamad lama geynin oo waa layska xidhay. Afweyne sharciba muu lahayn, sharciyadii Somalia waxa ku qornaan jiray oo ku saxeexnaa Madaxweynihii ugu horeeyay dalka Somalia Aadan Cabdalla Cismaan.

Waxa kale oo laga hadlaa Gudiyada Nabadgelyada ee gobolada dadka ay xidhaan mudada gaaban, aynu isweydiino ilaa goorma ayuu soo jiray sharcigaasi (xukunka degdega), ma khasaare ayuu leeyahay mise faa’iido ayuu leeyahay? Sharcigaas in badan ayuu soo jiray Afweyne wuu ka horeeyey ingiriiskii ayaa isticmaali jiray jeelal gaara ayey lahaan jirtay dadka sidaa loo xidho. Jeelka la yidhaahdo MIJA-CASEEYE waxa lagu xidhi jiray dad aan maxkamad la taagin waxay ahaayeen dad dropout oo magaalada laga ururiyo oo aan cidi korsan oo aan cidi rabeyn oo dhaqan xumo isaga kora oo waxbarasho iyo farsamo ayaa loo furi jiray, iyagoo dadka la mida oo shaqeysta ayey ka soo bixi jireen, debinbaa la yidhaahdaa ee xadhig maaha imikana waa la isticmaalaa.

Marna waxa la yidhaahdaa naxariis ay dawladu u geysato qof dembi galay. Markaa xeerka guddida nabadgelyada ee Gobolada yaala waxaan u arkaa mid faa’iido leh, laakiin dadkaan fahamkooda lahayn oo waxaad moodaa inay dadku dhasheen Afweyne iyo wixii ka danbeeyey oo wax ka horeeyeyba aanay ogayn, dawladda ayaa ilaalisa dadkeeda, hadana waxa la dhigtay ee ina kala celinaya waa inaynu xaqdhowrnaa oo aan garanaa hadaynu denbi galno wax ina qabanaaya, cid sharciga ka sareysaana ma jirto madaxweynaha iyo ka halkaa sigaarka ku iibinayaa way u siman yihiin sharciga”.

Saxaafada waxa cabudhin karaa suxufiga, cidkale ma cabudhiso isagoo denbi ku gala ayuu ku xidhmaa, halkan waxaan ku hayaa xeerkii saxaafada, oo ah mar habdhaqankii saxaafada, mar waa dasduurkii ururka suxufiyiintaa, oo waa wixii ay dhigteen ee ay heshiiska ku ahaayeen waanad wada haysaataan. Suxufiga waxa ka reeban inuu qoro war aan sal lahayn, inuu qoro war nabadgelyada wadanka wax u dhimaya, waxa ka reeban inuu qoro war cid gaara u adeegayaa, waxa ka reeban inuu qoro war ku xadgudbaaya xuquuqda aadamaha ee uu isagu ka midka yahay iyo waxa uu qorayo inuu laaluush ka qaato, xeerka ayey ku taalaa suxufiga intaa laga waayo yaa cabudhinaya ee wax u geysanaya. Suxufigu waa qofka qudhaate ee aan markhaati loo doonayn ee qoraalkiisa uun la horkeenayo qoraalka ayaa markhaatiya.

In marwooyin laga soo kiciyo oo la yidhaahdo Tifiiyada ka hadlaan, in ardey yar yar la soo kiciyo oo la yidhaahdo wadanka khalkhal geliya oo mudaharaada oo wadooyinka boodhadh qaata, in kaadhadh yar yar la sameeyo waxaasi waa god mulac, wax ina kala kaxeynaya oo dad ku kala tagayaan maaha waynu ilaashanaynaa sharcigeenaa.

Cilado kale ayaa jira oo guux kale ayaa inagu dhex jira, walaahow ayaa jiraa waar waxaa aynu ka baxno, nabad ayeynu haysanaa oo waynu baayacmuushtareynaynaa, waxa Soomaaliya maalin walba ka soconaya waad maqlaysaan. Dadka u fiirso inta ugu rabshada jecel waa inta wax haysata, waa fidmo, nin habeeno casheeyey inuu caafiyadiisa cabaar meel la fadhiisto cimrigiiba lawaa, cadar aan hadh ahayn iyo ceeryaamo ayaa isugu toostoo nimcadaa cuncunaysaa. Cida Somaliland carqaladaynaysaa hor-socodkeeda xeerbaa uga yaala reer Somaliland oo la fuliyey oo dhaqangalay.”

Intaa kadib Xoghayaha Xisbiga UDUB waxa su’aalo weydiiyay weriyeyaashii madasha shirka jaraa’id ka qayb-galay, waxaanay su’aalihii la weydiiyay iyo jawaabihii uu ka bixiyay u dhaceen sidan:

S: Waxaad eed u soo jeedisay dad tidhi shirar qabiil bay ka wadaan gobolka Togdheer, dadkaasi waa kuwama?
J: Waa Xildhibaano baaban ku idhi la doortay oo jaraa’idkaabay ku qoran yihiin

S: Waxaad noo sheegtaa ujeedada shirkiinan jaraa’id ee wakhtigan ka dambaysa ee daaha dabadiisa ka hagaysa wakhtigan xaadirka ah, sababtase aad xeerka saxaafadda u soo qaadatay ee aad hadda halkan u keentay maxay tahay, sideese u aragtaa xadhigga suxufiyiinta Haatuf?
J: Waxba kama dambeeyaan ee waxa ka dambeeya weeyaan guuxa ka jira magaalada ayaa marwalba isticmaalaa oo qaadanaa, taas ayaa ka dambeeya inaan shirkan jaraa’id qabano. Xeerka saxaafadda waxaanu soo qaadanay, waa lagu gefay, suxufiga lama xidhi karo, xeerkayaga ayaa na qabanaya, waxaas oo miidhan baa jaraa’idkiina ku yaal. Dabadeedna suxufigu inuu dadka la mid yahay xeerkaad qorateena inaanu caytan ku odhanine ee uu ka reebay wixii xumaan ah oo dhan oo waxa wanaagsan uu faray baan u soo qaatay.

S: Haddii wargeysyada ama warbaahintu soo qoraan waxyaabaha dalka ceebaynaya ama musuqmaasuqa iyo hanti-lunsiga ma qaranka ayay duminayaan mise way caytamayaan, mida kale shirkiinan jaraa’id miyaan la odhan karin waa laydin soo abaabulay oo meel kale ayaa laydinka soo abaabulay?
J: Annaa abaabulay oo Xoghayihii Guud ee xisbiga UDUB ugu sareeyay ah cidina namay soo dirin, inay run qorto oo saxaafadi inay been qorto baa ka reeban baan ku idhi.

S: Maxaad ku caddaynaysaa inay been qortay?
J: Dee anigu ma cid baa qortay baan idhi, cid soomaan qaadin, saxaafaddaan ka hadlay anigu cid hebel la yidhaahdo kamaan hadlin.

S: Guddidii nabadgelyada ayaad taageertay, waxa jira shuruuc iyo xeerar ay baarlamaanku sameeyay, markaa maxaa guddida nabadgelyada inay xukun degdeg ah keenaya iyadoo ay Maxkamado jiraan, miyaa qofka dambiga lagu haysto Maxkamadda la horkeeno?
J: Dee in badan baan sharxayay, isaguna waa xeer [guddida nabadgelyada] baarlamaanku ansixiyay oo yaal.

S: Guddida Nabadgelyada sidaynu ka warqabno waa 1966, dastuur qaran baynu leenahay markaa dastuurkeena qaranku kuma filna nabadgelyada ayaad leedahay?
J: Qoddobo badan buu leeyahay wixii laga waayo kuwaa hala qaato ayuu leeyahay oo hala qaato.

S: Shirkii ololaha qadiyadeena loo dabaal-degayay su’aal lagaa weydiiyay suxufiyiinta Haatuf waxaad tidhi dib baynu ka saxaynaa oo bina aadamku wuu khaldamaa, laakiin sidan aad imika u hadashay maad odhan, markaa sidee ayay arrintaasi tahay?
J: [Suxufiyiinta Haatuf] Waa lagu khaldamay maan odhan, wixii khaldan waynu saxaynaa baan idhi.

S: Intaad ka hadlayso waxyaabahan joornaaladu qorayaan, dantii Qaranka ayaa baylahsan oo sidaad ogtahayba meelo badan bay ku dagaalamayaan dad reer Somaliland ahi, maxaad taas wax uga qaban waydeen intaad ka hadlaysan tan?
J: Hawl taala weeye, tan qudheeda wax kama qaban karayno ee aan wax ka wada qabano oo wixii duminaya qarannimadeena saxaafaddu waa ka mide aan ka dayno.

S: Waxaad shirkaaga jaraa’id ku sheegtay inuu jiro walaalahow iyo guux badan, meelo badan colaado ayaa ka jirjira, Madaxtooyada maalin dhowayd warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku soo geba-gebaysay “Ha karaamo seegina Habaar laygu kari waaye.” Taasi waxay muujinaysaa marka laysku dardaro inay xukuumaddu ummaddii iyo dadkii habaarayso oo ay jiraan guuxaas faraha badan, maxaad taas u garowsan weydeen taas, ma jirtaa taasi?
J: Cidna la habaari maayee, hawsha waynu wada leenahay xil baa ina wada saaran, qof kastoo qaan-gaadh ah oo caqli Illaahay siiyay dalkiisa jooga xil baa ka saaran, ha u qaadanina in cida kolkaa kursiga ku fadhida inay dalka ka masuul tahay.

S: Maxay uga jeedaa ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye?
J: Iyaga weydii annagu miyaanu war u haynaa.

S: Maadaama aad shir jaraa’id qabateen, dalku wuxuu ku jiraa jahawareer badan, markaa maxaad dadka odhan lahayd maanta?
J: Dadka inta wax qorta iyo inta xukunka haysa iyo inta waxgaradka ah ee aqoonta leh intaynu isu nimaadno aynu dalka meel ku ogaano oo doodno.

Top


Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Dalka

“Xadhigga Suxufiyiinta Haatuf waxa uu caddaynayaa halka uu maamulka maanta jiraa ka taagan yahay Madaxbanaanida saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka”

Hargeysa, February 9, 2007 (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa shalay si weyn loogu soo dhaweeyay Madaarka Cigaal International Airport, kadib markii uu ka soo laabtay safar dhawr bilood qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska.

Gudoomiyaha KULMIYE oo ay wehelinaysay Marwadiisa waxaa garoonka diyaaradaha kaga hortagay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Mudanayaal ka tirsan labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada, masuuliyiinta sar-sare ee xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo kor u lulayay calanka Somaliland iyo calanka astaanta u ah xisbiga KULMIYE, kuwaas oo markii dambena gudoomiyaha u soo gelbiyay dhinaca gudaha magaalada Hargeysa ilaa gurigiisa.

Axmed Siillaanyo oo markii uu gurigiisa soo gaadhay saxaafadda la hadlay ayaa ka hadlay xaaladda dalka ka taagan iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay, isagoo isla markaana dhaliil kulul ugu soo jeediyay xukuumadda Somaliland habkii loo maray magacaabista xubnaha Komishanka iyo sidoo kale xadhigga sharci-darrada ah ee suxufiyiinta Haatuf oo uu ku tilmaamay tallaabo gef iyo meel ka-dhac ku ah geedi-socodkii aqoonsiga Somaliland.

Hase yeeshee Axmed Siilaanyo isagoo ka warbixinaya waxyaabihii safarkiisa u soo qabsoomay waxa uu yidhi: “Ujeedada safarkayga dalka Ingiriiska oo la xidhiidhay arrimo caafimaad oo ii khaas ah, haddana muddadii aan ku sugnaa dalka Ingiriiska waxaan kulamo kala duwan la yeeshay xubno ka tirsan baarlamaanka UK iyo masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, maantana waxaa baarlamaanka Ingiriiska lagu qabanayay dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland oo uu ka soo qayb-gelayay wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan Ingiiriska Lord Treisman. Waxa kaloo ka soo qayb-gelayay dad indheer-garad ah oo laga soo ururiyay Jaaliyadaha iyo axsaabta siyaasiga ah ee reer Somaliland ee dalkaasi ku sugan, balse anigu hawlo badan oo dalka gudihiisa ii yaalay dartood aan u joogi kari waayay, hase yeeshe aan u malaynayo in natiijo fiicani ay ka soo bixi doonto, isla markaana aynu ku muujin doono mawqifka madaxbanaanideena aynu ka taagannahay. Waxa kale oo iyaguna dhawaan ka dhici doona dalka UK dibad-baxyo lagu taageerayo aqoonsiga Somaliland oo la xidhiidha kuwii dalka gudihiisa lagu qabtay.”

Axmed Siillaanyo, intaas kadib waxa uu ka arrimaha gudaha Somaliland waxaanu yidhi: “Waxaan jeclahay inaan wax ka idhaahdo arrimo dhawr ah oo dalka gudihiisa ka socday. Arrinta ku saabsan xadhigga Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo suxufiyiinta Wargeyska Haatuf ee xaq-darada iyo dulmiga ku xidhan ee hore u dhici jirtay maantana u muuqata caddaynayana halka uu maamulka jiraa ka taagan yahay madax banaanida saxaafadda, xoriyatul-qawlka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta, taas oo ceeb weyn ku ah geedi-socodka dimuqraadiyada iyo geedi-socodka qaranimadeenaba, inagoo maanta beesha caalamka ka doonayna aqoonsi caalami ah, isla markaana aynu ugu bandhigayno inaynu nahay qaran madax banaan oo ku faanayna dimuqraadiyada, madax banaanida saxaafadda, ilaalinta distoorka iyo shuruucda dalka, inaynu tallaabooyinka noocaasa maanta qaadno waxaan u arkaa inay aad iyo aad u waxyeelaynayso sumcaddii aynu caalamka ka kasbanay, waxaan ogsoonahay in Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Jimmy Carter uu waraaq u soo qoray Madaxweynaha oo uu ku dhaleecaynayo xadhiggaasi, uguna baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo suxufiyiinta xidhan. Waxa kale oo ka mid ahaa arrimaha noocaas oo kala ah xadhigii Suldaan Cismaan iyo xubnihii klae ee la xidhxidhay dhawaan lagana soo xidhay magaalada Burco oo dariiqii xadhigooda loo maray aanu ahayn mid sharciyada waafaqsanaa. Waxa kaloo ka mid ahaa tallaabooyinkii lagula kacay maraakiibtii shidaalka u sidday shirkadda Al-Xarbi, waxyaalahaas oo dhammi waxay muujinayaan halka uu dalku marayo iyo waxyaalaha aynu higsanaynaa inaanay wax isleh ahayn.”

Waxa kale oo uu Axmed Siillaanyo shirkiisa jaraa’id kaga hadlay qaabka xulista komishanka doorashooyinka, waxaanu yidhi: “Waxa kale oo aan doonayaa inaan wax ka idhaahdo magacaabista xubnaha komishanka doorashooyinka. Komishankii hore eedayn iyo cambaareyn toona uma hayo, xaasha kala dad wanaagsan oo sharaf iyo qadarin leh ayay ahaayeen, xubnaha imika loo magacaabayna shakhsiyadooda waxba ka odhan maayo, laakiin waxaynu ka hadlaynaa jidka iyo dariiqa loo marayo, sharcigii hore ee komishankii hore lagu magacaabayay axsaabta siyaasigu kumay jirin, qolodanina waa qoladii hagaysay dadka tartamaya ee siidhi-walaha u noqonaysay, wakhtigaana waxaa la yidhi Madaxweynaha iyo guurtida ayaa magacaabaya, wixii soo raacana ururadii berigaa jiray ayaa laba xubnood la siiyay. Waxaan ogahay muddo dheer in talooyin soo jeedinayeen labada xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID oo ay lahaayeen waxa xaqa oo waajiba in xubnaha komishanka laga dhigo tiradooda sagaal xubnood, oo xisbiba saddex xubnood soo magacaabo, dhaqana waxaa noo ahayd markasta oo ay doorashooyinka duruufo la soo gudboonaadaan in komishanka iyo saddexda xisbi ay talo iskugu yimaadaan, talo midaysana ay ka yeeshaan. Masalan diiwaangelintii codbixiyeyaasha oo kale distoorka qaranka ayuu ku yaalaa, haddana waxaa muuqatay inaan la fulin karayn. Waa laysla gartay inaan hawshaasi la fulin karayn oo ay carqalad doorashooyinka ku noqonayso, maantana waxay ahayd hab kasta komishanku haku yimaadee in wada-tashi layskaga yimaado habka loo magacaabayo, waxaa ka muuqata in xubnaha hadda la magacaabay aanay haweenku ku jirin, iyadoo aynu ognahay in gabadhii keliya ee ku jirtay komishankii hore ay ahayd xubin firfircoon oo qayb libaax ka soo qaadatay hawlihii doorashooyinka, maantana dalka way ka buuxaan haween badan oo waxtarayaa, markaa waxyaalo badan oo geedi-socodka dimuqraadiyadu ay ka mid tahay oo dalkeena lagu qiimayn lahaa inagoo baahi weyn u qabna sidii aynu dareenka caalamka u soo jiidan lahayn, si aynu aqoonsi uga helno laakiin maanta inagoo caabiyayna madaxbanaanideena iyo xoriyadeena oo weliba dhawaaqyada ka soo yeedhaya siyaasadda isbedelaysa ee mandaqada Geeska Afrika ay muujinayaan inaan wax laynoo ogolyahay jirin, haddii waxyaalihii aynu beesha caalamka aqoonsi kaga heli lahayn aynu nidhaahno dadkii soo halgamay ayaynu xidhxidhaynaa oo Madaxbanaanidii saxaafadda iyo xoriyatul-qawlkii ayaynu meesha ka saaraynaa oo doorashooyinkii baynu suul-daaraynaa oo aynu wada-tashi yeelan kari wayno, taas maxaa loo qaadan karaa, ma garasho la’aan baa mise waa badheedh loo badheedhayo oo la doonayo inaan ummaddana shaag u rogan, sidaas darteed waxaanu leenahay dadka suxufiyiinta ah ee xaq-darrada iyo dulimiga ku xidhan xoriyadoodii si degdegga haloogu soo celiyo. Waxa kale oo aanu leenahay ummadda halaga daayo ceebayntan inta maalinba dad diciif ah loo yeedho la doonayo inta magacoodii iyo sharaftoodii laga qaado lagu doonayo inay soo shaambadeeyaan wax iimaankooda iyo sharaftooda wax u dhimaya. Dawladda iyo maamulka maanta jirana waxaanu u soo jeedinaynaa inay arrimahaasi ka waantoobaan.”

Intaa kadib, Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siillaanyo waxay weriyeyaashu weydiiyeen su’aalo, waxaanay su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyayba u dhaceen sidan:

S: Waxaad sheegtay in labadiina xisbi Mucaarid aad soo jeediseen in xubnaha komishanka doorashooyinka magacaabistooda wada-tashi laga yeesho, tirada xubnahana laga dhigo 9 xubnood oo saddexda xisbi ay min saddex xubnood soo magacaabaan, haddana waxaa jirta in xisbiga UCID uu magacaabay xubintiisa komishanka, guurtida iyo Mdaxweynuhuna ay magacaabeen, markaa maxaa idinka iyo UCID wada-tashigii aad lahaydeen iska bedelay ee idinka gaar idiinku muuqda KULMIYE ahaan?
J: Annagu mawqifkii aanu arrintaa ka taagnayn ayaanu ka taaganahay KULMIYE ahaan, waanagaa imikana ka hadlayana oo weli way furan tahay in wada-tashi laga yeesho magacaabida komishanka, walaalahayaga UCID-na anigu u jawaabi maayo, UCID waa xisbi madax banaan, wada-tashi axsaabnimo iyo xidhiidh wanaagsanina wuu naga dhexeeyay, dee laba xisbi oo siman oo kala madax banaanna waanu nahay, dee talada ay iyagu goostaana anigu wax ka odhan maayo, annaguse waxaanu qabnaa in wada tashi qaran laga yeesho dariiqa loo marayo.

S: Sideed u aragtaa isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay Somalia ee ay dawladda Itoobiya ciidamada ugu qabatay Cabdillaahi Yuusuf dhulkii Maxkamadihii Islaamigu haysteen iyo tallaabadii ay dawladda Djibouti ku soo mastaafurisay wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalkeeda?
J: Annagu waxaanu aaminsannahay in markasta qadiyadda madax banaanida Somaliland ay muqadas tahay, kooxaha Soomaaliya isku haya iyo dawladdaha mandaqadaba waxaanu ugu baaqaynaa in ay khilaafka ka dhex jira dhinacyada Soomaaliya sida Maxkamadaha iyo dawladda hadda fadhidaba, arrimahooda lagu dhameeyo wada hadal gudahooda ah, isla markaana wada-jir looga wada shaqeeyo degenaanshaha Mandaqadda caalamkana waxaanu ugu baaqaynaa inaanay isku khaldin arrimaha Somaliland iyo Somalia oo kala ah laba dal oo kala madax banaan , balse derisnimo ka dhexayso.
Arrinta ay dawladda Djibouti ku soo mustaafurisay ambassadorkii Somaliland u fadhiyay dalkeeda, anigu si dhab ah uma ogi waxay ka dhalatay oo dalka waan ka maqnaa, laakiin dalka Djibouti waa dal aynu jaar nahay, dal kastaana danihiisa gaarka ah wuu u madax banaan yahay, hase yeeshee inagu cidna danaheena iyo madax banaanideena uga tanaasuli mayno, kana ogolaan mayno wixii qaranimadeena waxyeelo ku ah.

S: Shaqaaqadii sannadkii hore ka dhacday degaanka Daroor ee ay iskaga horyimaadeen labada beelood ee xisbigiinuna gurmadka nabad-raadinta ah ka qayb-qaatay ayaa waxaa wakhtigan xaadirka ah ka soo cusboonaaday dhacdooyin dilal aargoosi ah oo laga cabsi qabo inay colaadi ka hurto, arrintaasi xisbi ahaan maxaa idiinka qorshaysan, sideedse u aragtaa?
J: Walaahi arrintaasi waa arrin aad iyo aad u naxdin badan, horena gurmadkii shaqaaqadii hore waanu uga qayb-galnay xisbi ahaan iyo gudoomiye ahaanba, ilaahayna waxaanu ka baryaynaa in halkaasi aanay dhibaato kale inagaga iman, oo ay si hawl yar u dhammaato, imikana mar kale diyaar baanu u nahay inaanu gurmad nabad raadina ka galno, dawladda Itoobiya ee aynu jaarka nahayna waxaanu ku guubaabinaynaa inay fiiro dheer u yeelato colaad ka aloosanta degaankaasi, isla markaana ay sidii hore ay uga qayb-qaadatay shaqaaqadii hore xilweyn iskaga saarto, ummaddayada degaanadaasi ku noolna waxaan ugu baaqayaa inay ka feejignaadaan mar kale inay dib u dhacdo kaa dhimay oo kugu dhimay, nabadgelyadana ilaashadaan iyo walaaltinimada, dadkii dhawaan ku geeriyooday degaankaasina waxaan ka tacsiyadaynayaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen, sidaas darteed waxaanu diyaar u nahay maantana inaanu gurmad ka galno xaaladaha ka soo cusboonaaday degaanada Biyo-guure iyo Daroor.

Top


Qaybtii Libaaxa iyo Habar-Dugaag
Cali Guuleed, Hargeysa, Somaliland

Komishan aan cadaalad ku dhisneyn doorasho xalaal ah oo xor ah ma soo hoyn karo, markaa iyada oo duuduuban Madaxweynaha dib haloogu celiyo. Qeybinta Rayaale ee xubnaha Komishanku waxa ay ka dhigan tahay qeybtii libaaxu uu dawacada ku yidhi aniga (Libaax) iyo habar dugaag intiisa kale wax u qeybi. Qeybtaasi cadaalad daradii ay u dhacday waa ka wada dheregsan tihiin, anna ku celin maayo.

Rayaale maanta waxa uu heystaa afar BADHIWALE oo wasiiro ku sheeg ah, duub castii ka soo hadhay Afweyne, Guurti bilaa sharci ku fadhida oo uu ugu manna-sheegto CIMRIGIINII wuu dhamaaday ee aniga ayaa CIMRIGII idiin kordhiyay oo isaga ugu xamdi naqa iyo afar afmiishaar oo reer walba ka soo jeeda oo u haysta in uu isagu arsaaqada iyo roobkaba bixiyo. Wixii intaas ka soo hadhay waa in dantoodu cusleysiisay iyo in lagu cabsiiyo nabadda ha iska burburinina. Sidaa awgeed, maanta Rayaale waxba cidna iskaga tirin maayo markaa in uu yidhaahdo toddobadii (7) xubnood ee Komishanka anna waa igu shan (5) idina waa idinku laba (2) la yaab ma laha.

Madaxweynihii ku hanjabay taladayba talo ma ah haddaan xubin reerkayga ah aan lagu darin komishanka doorashooyinka ee laga aqbalay in uu maanta ku hamiyo in uu todobada (7) xubnood ee komishanku ka kooban yahay uu shan (5) xubnood oo isaga ku xidhan kana tala qaata iyo laba mucaaridka ka yimaada oo uu weliba isagu soo xusho laga aqbalo waxa ay ka dhigan tahey qeybtii libaaxa iyo habar dugaag. Xukuumadani waxa ay ku kaceyso marka laga duulo waxa ay ku tala gashay in ay xoog ku haysato Somaliland haddii kale aanay Somaliland ka denbeyn. Tii Alana maqan.

Markii komishankan wakhtigu ka dhamaaday la soo xulay axsaab qaran ma jirin Golaha Guurtiduna Gole sharci ku fadhiya ayuu ahaa. Waata hore’e maanta axsaab qaran oo ah kuwii iyagu tartamaayay ayaa jira, waa ta labaad’e Guurtidii bilaa sharci ayay ku fadhiyaan maanta. Waa ta saddexaad’e in komishanka siduu u dhan yahay mar keliya la wada dareeriyo waa khalad. Sababtuna waxa ay tahay komishanka maanta fadhiyaa waxa uu noqday hay’ad dhan oo dhisan oo dhaqan oo inta maskaxdooda ku jirtaa ay ka badan tahay inta faylasha ka buuxda. Haddii ay mar qudha wada dareeraana khibradii maskaxda ugu jirteyna la tege, faylasha ay ka tagaana inta ay raxanta cusubi dhuuxayso wakhti dheer ayay qaadan. Afcaasha ceynkaas ihina waxay ka mid yihiin kuwa AFRIKAANKA lagu yaso oo ah dumi oo haddana dib u soo dhis. Taasina horumar ma keeni karto. Komishanka maanta jiraa waxay soo galeen doorashadii degaanka, tii madaxweynaha iyo tii baarlamanka oo ay khibrad weyn ka heleen. Waxa kale oo ay khibrad ka soo korodhsadeen dibedaha sida koonfur Afrika, Norway iyo Sweden, waxa intaa u dheer iyaga oo la soo shaqeeyay khuburo iyo hay’ado caalami ah oo doorashooyinka ku takhususay. Iyaga oo khibrad intaa le’eg leh in maanta lagu bedelo raxan cusub oo aan khibrad u laheyn qabanqaabada iyo maamulka doorashada toona waa caqli xumo ee halaga fiirsado.
Waa ta afraad’e sunnihii uu Rayaale ka dhawaajiyey ee ahaa qabaa’ilku ha isku dheelitirnaadaan qeybtiisan way ka maqan tahay oo waxa ka maqan laba reer oo waaweyn oo kala ah H/J iyo Dhulbahante.

Waa ta shanaade sunnihi waxa ka maqan DUMARKII oo codbixiyaasha ugu badan ah oo ka mid ah waxyaalaha ay daneeyaan hay’adaha caalamiga ihi. Dumarka oo lagu qiyaasay in ay yihiin 52% tirada guud codbixiyaashana ka yihiin 60% waa cadaalad darro in aanay qeyb libaax ku lahaan. In aynu xubintii dumarka kaga jirtay ka saarno waa dib u socod. Sumcad xunna way inaga bixineysaa.

Arrintu in ay halkaa soo gaadho may aheyn canaanteedana waxa leh Madaxtooyada iyo wakiilada. Waxay aheyd ileyn way ogaayeen in uu wakhtigu ka dhamaanayo komishanka’e inay sharci cusub oo lagu soo xulo komishan cusub soo jeediyaan oo la ansixiyo inta aanu wakhtigu ka dhamaan. Nasiib darro taasi may dhicin. Haddaba maxaa xal ah.

Sida ay ila tahay waa in la kala doortaa qodobadan hoos ku qoran:
a) Sharciga xulista komishanka dib ha loogu noqdo oo ha lagu saleeyo in tirada xubnaha komishanka laga dhigo sagaal (9) xubnood oo uu saddexda xisbi qaran midba saddex keensado. Ra’yigan oo ah mid mucaaridku hore u soo jeediyay

b) Guurtidu sharci darro ayay ku fadhidaa. Sida awgeed labada iyaga loo qoondeeyay labada xisbi ee mucaardika ah ha loogu darro si ay qeybtu u noqoto mucaaridka oo afar (4) ah iyo muxaafidka oo saddex (3) ah

c) Komishankan hadda jiraba Wakiiladu ha u kordhiyo muddada ileyn waaka madaxweynuhu Guurtidaba u kordhiyay’e. Xubinta ka banaana ha lagu bedelo xubin ka soo jeeda reerka ARAB.

Gebogebo
Maxaay ka baqayaan mucaaridku? Waxyaalo badan waxaana ugu weyn doorasho dhici weyda. Sideebay ku iman kartaa doorasho dhici weydaa. Waxa ay ku iman kartaa in xukuumadda maanta jirtaa haddii ay is tidhaahdo doorasho wax ku helimaysaan inay xaalad abuur ku kacdo wax kastaba ha u food saareysee. Dabeetana ay tidhaahdo iyada oo si aan toos aheyn u soo mareysa Komishanka doorashada ee gacanta ugu jira waxa aad ku dhawaaqdaan in nabadgelyada oo aan sugneyn awgeed aan doorasho dhici karin. Guurtidii uu CIMRIGU ka dhamaaday ee uu u dheereyayna uu ku yidhaahdo waar dee abaalkii iska soo celiya oo ay u shaambadeeyaan shan sannadood oo kale. Waa wax dhici kara in ay dabadeedna inagu noqoto bisadii sagaalka (9) nafood laheyd amba siddii riwaayadii CUNAAYE ee aheyd “Hadanna waa I kan”.

Mucaaridku waxa kale oo ay ka cabsi qabaan in uu Rayaale ugu tala-galay inay ansixinta komishanka cusubi jiitanto oo dabeetana doorashadii dawladaha hoose soo gasho iyada oo weli jiitamaysa oo markaana ku dhawaaqo in doorashada dawladaha hoose iyo ta Madaxweynaha isku mar laga dhigo Guurtidii uu CIMRIGA u dheereeyayna ay shaambada ugu dhufato. Taasina waxa uu mucaaridku u arkaa in uu doorbidaayo in uu isku soo hoos qariyo doorashada D/hoose oo uu ku qanacsan yahey in aanu toos waxba u helaheyn
Asbabahaa awgood Mucaaridku la yaab ma leh. Waxaana intaa u dheer iyaga oo hore caddaalad darro u soo arkay kaga timid Maxkamadaha oo la filaayay in ay madax banaannaadaan, Markaa komishan aan loo arkayn dhexdhexaad in ay ka deyriyaan waa mid daw ah.

Midda kale doorashooyinkii hore ee inoo qabsoomay waxay ku hirgaleen ururada aduunweynaha (international organizations) ee daneeya horumarka dimuqraadiyada oo gacan weyn ka geystay kharashka ku baxa doorashada. Sababta ay gacanta uga geysteen waxa ay aheyd iyada oo mucaaridka iyo bulshaduba ay muujiyeen in ay kalsooni ku qabaan komishanka. Komishan aanay bulshada iyo mucaaridku ku kalsooneyn Hay’adaha Caalamigu waxba iska siin maayaan. Hay’adaha Caalamigu dawladaha Afrikanka ah waxba kuma aaminaan xukuumadda Rayaale-na iskaba daa.
Komishan aan cadaalad ku dhisnayni doorasho xalaal ah oo xor ah ma soo hoyn karo markaa iyada oo duuduuban Madaxweynaha dib ha loogu celiyo. Waxaana lagama maarmaan ah in ilaa inta komishan cusub oo lagu wada kalsoon yahay la dhaarinaayo in Komishanka hadd jooga muddada loo sii cusboonasiiyo. Madaxweynahana ha la xuuusiyo marka ay dawacadu libaaxa dhulka u xariiqdo in uu ka huleelo.

Top


“Waxanu Xukuumadda Somaliland U Soo Jeedinaynaa
Inay Wax Ka Qabato Cidii Fulisay Amarka Sababay
Dhimashada Iyo Dhaawaca”
Baaq

Qaar ka mida dhallinyarada iyo aqoonyahanka beesha bariga Burco (Habarjeclo) ayaa cambaareeyay dhacdadii dhimashada iyo dhaawaca keentay ee dorraad ka dhacday bariga Berbera, isla markaana si cad ugu eedeeyay xukuumaddu inay iyadu ka dambeysay, waxaanay dhinaca kale ugu baaqeen bulshada walaalaha ah ee wada-nool inay wada-jirkooda iyo danahooda wada-ilaashadaan.

Dhallinyaradan iyo aqoonyahankani waxay sidaas ku sheegeen qoraal ay magaalada Burco ka soo saareen shalay, kaas oo ay soo gaadhsiiyeen Weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf, waxaanu qoraalkaasi isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

Anaga oo ah wax-garadka, aqoonyahanka iyo dhalinyarada beesha Habarjeclo wayn waxaanu bayaankan kaga warbixinaynaa xaaladdan xanbaarsan amaan-darrada ee ka aloosan gobolka Saaxil, gaar ahaana bariga Berbera taas oo soo noqnoqonaysay wakhti dheer oo xataa mar walba oo ay dhacdo keenta khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, arintaas oo ay dawladdu u saartay guddi heer qaranna, guddidaasina ay go'aan kama dambaysa ka gaadhay 10/4/2006 iyaga oo taariikhdaa xaaraantimeeyay in dhulkaasi ahayn mid wax kale loo isticmaalo aan ahayn dhul daaqsimeed mooyaane.
Nasiib-daro waxase dhacay wax laga naxo, haddaanu nahay aqoonyahanka iyo wax-garadka beesha Habar-jeclo, waxaanu isku qancinay ama isku wargelinay in ay hawshaasi dhamaatay oo aanay waxyeeladeedu dib u soo noqonayn.

Waxa ayaan daro ah oo naxdin leh in maamulkii dawladda ee gobolka Saaxil gaar ahaan magaalada Berbera uu shalayto [dorraad] uu si toosa ama ula-kaca u jebiyeen go'aankii ay sannadkii hore gaadheen guddidii loo xil saray, arintanina ay keentay dhimasho, dhaawac iyo khasaare kaleba iyada oo dhimashada iyo dhaawacuba ku dhaceen dad rayid ah iyo ciidankaba, anaga oo dadkana uga tacsiyadaynayna ehelkoodii.

Intaa ka dib waxa aanu xukuumadda iyo shacabka Somalilandba u soo jeedinaynaa in si dhakhso ah wax looga qabto xaaladda taagan oo Somaliland dhaxalsiin karta in ay reebto dagaal sokeeye oo reeba cawaaqib xumo iyo amaan daro, waxanuna xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa si loo helo xasilooni waarta in ay wax ka qabato cidii fulisay amarka sababay dhimashada iyo dhaawaca.”
Magacyada baaqan saxeexay
Xasan Cige Nuur
Cali Saleebaan Aadan
Rashiid Maxamuud Cawed
Cali Cabdillaahi Cali
Eng Suleymaan Maxamed Cali
Saleebaan Maxamed Maxamuud
Cali Maxamed X Cabdillaahi
Cali Siciid Saleebaan
Maxamed Cabdillaahi Aadan
C/kariin Maxamuud X Yuusuf

Top