“Madaxweynuhu Wuxuu Cadeeyay Inaanu Waxba Ka
Qabin In Lagu Dhaqmo Xeerka Saxaafadda”
Shir Jaraa’id – Masuuliyiinta Ururka SOLJA
“Dagaal Kasta Oo Sokeeye Dhaxalkiisu Waa
Maydka
Walaalkaa Iyo Walaashaa Oo Ninkeedii Laga Dilay Inay Gurigaaga Iskugu
Yimaadaan”
Mujaahid Xasan Guure Jaamac
Wasaaradda Macdanta Iyo Biyaha Oo
Tababar
Burco Uga Furtay Shaqaalaheeda Gobolka Togdheer
“Marka Ciisaha Xuquuqdooda La
Dulmiyayo Ayaa
Djibouti Lagu Eedeeyaa Si Dadka Kale Ee Reer
Somaliland Loo Nacsiiyo”
Madaxweyne Rayaale Oo Qoraallo Cusub U
Kala Diray
Komishanka Doorashooyinka Iyo Xisbiga KULMIYE
Masuuliyiin Xalay Lagu Khaarajiyay
Muqdisho Iyo 42 Xildhibaan Oo Laga Joojiyay Inay Ka Qayb-galaan
Fadhiyada Baarlamaanka Mbagathi
Nin La Shaqaynayay Maleeshiyooyinkii
Maxaakiimta Muqdisho
Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Maraykanka
Furaha Quluubta
Buundo isku xidhaysa Yemen iyo
Qaaradda Afrika oo la Qorshaynayo in Laga Dhiso Baab Al-Mandab
Masuuliyiin Xalay Lagu Khaarajiyay
Muqdisho Iyo 42 Xildhibaan Oo Laga Joojiyay Inay Ka Qayb-galaan
Fadhiyada Baarlamaanka Mbagathi
Baaq Nabadeed Oo Ay Soo Saareen Saddex
Urur Oo Wadani Ahi
DALJIRE: Aniga Iyo Ugbaad
Xisbiga KULMIYE Oo Magacaabay Guddi
Ergo Ah Oo Ka Qayb-qaadata Nabadeynta Colaadda Daroor
Warbaahinta Ingiriiska oo Dhacdadii
11 September ku
xidhiidhisay Madaxweyne Bush
Dhisme Ku Burburay Magaalada Istanbul
Oo Dad Ku Dhinteen
Dawladda Iran Oo Mar Kale Diiday
Joojinta Barnaamijkeeda Nukliyeerka
Golaha Ammaanka Ee Qaramada
|
|
“Madaxweynuhu Wuxuu Cadeeyay
Inaanu Waxba Ka
Qabin In Lagu Dhaqmo Xeerka Saxaafadda”
Shir Jaraa’id – Masuuliyiinta Ururka SOLJA |
Hargeysa, February 22, 2007 (Haatuf) –
Masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta SOLJA, ayaa sheegay inuu Madaxweyne
Rayaale sheegay inuu ku dhaqmayo Xeerka Saxaafadda Somaliland oo ay doodi
ka taagan tahay ku dhaqankiisa, waxayna Masuuliyiinta SOLJA sidaas ku
sheegeen shir jaraa’id oo shalay qabteen kadib markii ay isla shalay kulan
la yeesheen Madaxweyne Rayaale kala hadleen arrimo dhawr ah.
Waxa kale oo ay Masuuliyiinta SOLJA shirkooga jaraa’id kaga hadleen
colaadda ka taagan degaanka Daroor oo ay ku baaqeen in la joojiyo.
Gudoomiyaha ururka SOLJA Mustafe Cabdi Ciise ‘(Shiine) oo shirkaas
jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horeyn ka waramay waxyaalihii ay ka wada
hadleen Madaxweyne Rayaale iyo jawaabihii uu ka bixiyay, waxaana Mustafe
Shiine hadaladiisa ka mid ahaa “Xubno laga soo xulay shir ururka SOLJA
yeeshay ayaa shalay markii labaad kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland
Daahir Rayaale Kaahin oo ay weheliyeen Wasiirka Warfaafinta Axmed X.
Daahir Cilmi iyo Afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale, waxa
kulankaas aanu kaga hadalay arrimo dhawra oo ay ugu muhiimsanayd saddex
qodob oo aanu urur ahaan ula tagnay oo uu ka mid ahaa sidii loo dhaqan
gelin lahaa xeerka Saxaafadda Somaliland ee Golayaasha Baarlamaanku
ansixiyeen, Madaxweynuhun saxeexay. Qodobka labaadna waxa uu ahaa sidii
loo abuuri lahaa wada shaqayn ka timaada labada dhinac (Saxaafada iyo
Xukuumada) iyadoo dhawaan ay jirtay buunbuunin ku saabsan isku dhac
xukuumadda iyo Warbaahintu iyadoo arrintaas aad loo buun-buuniayay iyo
qodobka 3-aad oo ahaa in suxufiyiinta xidhan ee Haatuf arrintooda lagu
dhameeyo sida ugu fudud uguna ceebta yar, oo ah iyagoo dibada jooga in
dacwadoodu socdo. Madaxweynuhu waxa uu noo cadeeyay in aanu isagu waxba ka
qabin in lagu dhaqmo xeerka Saxaafadda Somaliland, taasi oo in badan shaki
laga muujinayay, Madaxweynuhu wuu cadeeyay in arrinta Warbaahinta loo maro
xeerka Saxaafadda oo uu hore u saxeexay, waxa wada shaqaynta labada dhinac
loo saari doonaa guddi ka kooban SOLJA iyo Wasaarada Warfaafinta , iyadoo
aanu Madaxweynaha u sheegnay in aanu dhisi doono guddi garsoor oo
Saxaafaddu leedahay oo haddii ay dacwadi timaado iyaga la iskula noqdo
kuwaas oo xirfadyahano saxaafadeed ah oo la dhisi doono, taasna
Madaxweynuhu aad buu u soo dhaweeyay.”
Gudoomiyaha SOLJA isagoo ka hadlaya xadhigga suxufiyiinta Haatuf iyo
jawaabta uu Madaxweynuhu ka bixiyay waxa uu yidhi “Madaxweynaha mar aanu
la soo qaadnay qolada Haatuf oo aanu ka codsanay in la sii daayo oo iyagoo
dibada jooga dacwadoodu socoto, markaa Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanu
isagu waxba ka qabin balse ay Maxkamadda u taalo isaguna aanu shaqo ku
lahayn sii-dayntooda iyo xadhigoodaba, hase yeeshee haddii la xukumo uu
doonayo inuu cafis u fidiyo.”
Mustafe Shiine waxa kale oo uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inay urur
ahaan ka xun yihiin dagaalada iyo Colaada Beelaha Walaalaha ah ku
dhexmaray Daroor, waxana uu ku baaqay inay si shuruud la’aana dagaalka u
joojiyaan.
Faysal Cali Sheekh oo ka tirsan Guddida Fulinta ee SOLJA ayaa isna shirkaa
jaraa’id ka hadlay, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dagaalka Daroor
la joojiyo oo inta nool la badbaadiyo, isla markaana waxa uu Faysal
saxaafadda ugu baaqay inay ka taxadiraan baahinta wararka Dagaalka Ehliga
ah, isla markaana aanay baahin wax kasta oo sii hurin kara colaadaas.
Sidoo kale waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Xoghayaha ururka SOLJA Muuse
X. Maxamuud (Muuse Inji) iyo Xuseen Cali Nuur oo ka tirsan Xubnaha ururka
SOLJA. Top
“Dagaal Kasta
Oo Sokeeye Dhaxalkiisu Waa Maydka
Walaalkaa Iyo Walaashaa Oo Ninkeedii Laga Dilay Inay
Gurigaaga Iskugu Yimaadaan”
Mujaahid Xasan Guure Jaamac |
Hargeysa, February 22, 2007 (Hargeysa) -
Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya
deegaanka Daroor inay ogolaadaan ergooyin nabadeed ee ku sii qul-qulaya
deegaamada colaadu ku oogantay.
Mujaahid Guure, oo u waramayey Haatuf, waxa uu yidhi. “Waxa aan aad uga
xumahay masiibada iyo dagaalka aan macnaha lahayn ee muddada dhiiga
sokeeye ku daadanayey, kaasi oo dhaxalkiisu yahay sida dagaal kasta oo
sokeeyaba dhacda inay gurigaaga iskugu yimaadaan maydka walaalkaa iyo
walaashaa oo ninkeedii laga soo dilay, iyo wiilka abtiga u ahayd iyo kaad
adeerka u ahayd oo agoomo ah.
Waxaan ugu baaqayaa cida is-haysa, iyada oo in ka badan boqol qof ku
dhimatay, bal inay isweydiiyaan inta hadhay iyo inta dhaawacantay muxuu ku
sheegi doonaa inuu ku dhaawacmay? Sidaa darteed, waxaan madaxda dhaqanka
iyo siyaasada ee beelahaasi iyo kuwa haybta la wadaaga iyo weliba ku
derisnimada la wadaagaba inay ka hawlgalaan dagaalada ayaan darrada ah ee
ka dhacay deegaanadaasi sidii loo joojin lahaa colaadaasi.
Dadka reer Somaliland iyo Itoobiya iyo dhamaanba dadka kale ee ka xun
dagaaladaasina aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxaanan ku gubaabinayaa inay
u gurmadaan oo ay kala dhexgalaan dhinacyada dagaalamaya oo aanay ka baqan
inay ku dhintaan dagaalada, sababta oo haddii ay ergo ku dhintaan if iyo
aakhiraba way u wanaagsan tahay.
Dawladaha Somaliland iyo Itoobiyaba iyaga iyo dhinacyada siyaasada gudaha
dalalkoodaba in ay ka ilaaliyaan arrintaasi in la siyaasadeeyo, taasi oo
xiisado abuuraysa, waxaanan ka digayaa in xiisadan magacyo debadeed iyo
kuwa gudeed toona loo bixiyo.
Waxa kale oo aan aad uga xumahay weedho lagu baahiyey Wargeyska Geeska
Afrika Doraad oo la sheegay in laga soo xigtay Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir,
isla markaana markii aan weydiiyey uu ii sheegay in aanu odhan, kuwaasi oo
ahaa Suldaan iska dhaafe’ mid aan cidnaba laga geyin inay tidhaahdo wax
aan nabada u adeegayn iyo in magacyo loo bixiyo toona”. Top
Wasaaradda
Macdanta Iyo Biyaha Oo Tababar
Burco Uga Furtay Shaqaalaheeda Gobolka Togdheer |
Burco, February 22, 2007 (Haatuf) –
Wasaarada Macdanta iyo Biyaha ayaa shalay in ka badan 36 xubnood tababar
socon doona saddex maalmood uga furtay magaalada Burco.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan
Yuusuf, tababarkan ayaa waxa ka qaybgalay sodon xubnood oo ka kala socda
shaqaalaha wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee gobolka Togdheer iyo xubno ka
socda lix wasaaradood oo iyagu wada-shaqayn la leh wasaarada Macdanta iyo
Biyaha, waxaana tababarkani inta uu socdo lagu baran doonaa istaraatijiyad
ku waajahan maamulka biyaha.
Gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere, oo isagu tababarka furay
ayaa soo dhoweeyay barnaamijkan oo ah buu yidhi kii ugu horeeyay ee
noociisa oo kale ah ee gobolka laga fuliyo waxana uu xusay in gobolkani
yahay marka la barbar dhigo gobolada kale ee Somaliland ka ugu biyaha
badan hase yeeshee aad moodo hadana in ay gobolka ka jirto biyo xumo.
Dhinaca kale wasiiru dawlaha Macdanta iyo Biyaha Xasan Macalin oo isagu ah
masuulka wada tababarkan ayaa sheegay in qorshahan cusubi yahay mid ka
duwan tababaradii hore oo ay iska kaashadeen wasaarada Qorshaynta iyo
hay'adda UNICEF, isla markaana ah mid qorshe loogu samaynayo siyaasadda ku
waajahan istaraatijiyada biyaha si loo helo biyo inagu filan oo nidaamsan.
Waxa kale oo uu Mr. Xasan Macalin intaa ku daray in tababarkani uu yahay
mid ay saddexda gobol ee barigu ka qabanayaan ayna ka qaybgalayaan
shaqaalaha wasaarada ee gobolada iyo isuduwayaasha lixda wasaaradood oo
iyagu wada shaqayn la leh wasaarada Macdanta iyo Biyaha. Top
“Marka Ciisaha
Xuquuqdooda La Dulmiyayo Ayaa
Djibouti Lagu Eedeeyaa Si Dadka Kale Ee Reer
Somaliland Loo Nacsiiyo” |
Axmed Cabdi Kaahin (Ina Casood), Mudane hore
uga tirsanaan jiray golaha Wakiilada
Hargeysa, February 22, 2007 (Haatuf) – Axmed Cabdi Kaahin oo ka mid ahaa
Golihii hore ee Wakiiladda Somaliland, isla markaana ku jiray
mudanayaashii beesha Ciise ee iska casilay tartankii doorashada Golaha
Wakiilada Somaliland bishii September, 2005 ayaa ka hadllay xadhiga nin
magaciisa la yidhaahdo Maxamed Saalax oo maalin dhaweyd lagu xidhay
magaalada Berbera ka dib markii lagu eedeeyey inuu Djibouti u gudbiyo
manifest-ka waxa dekeda Berbera ka soo dega iyo waxa ka baxaba.
Waxaanu Mr. Kaahin oo xalay nagu soo booqday Xarunta Haatuf hadalkiisa ku
bilaabay, “Waxa maalin dhaweyd Berbera lagu xidhay wiil dhalinyaro ah oo
aanu isku beelnahay oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Saalax, kaasi oo u
shaqaynayey shirkadda Red Sea, waxaana xafiiskii uu masuulka ka ahaa
waaran la’aan inta xoog loogu galay la baadhay, isagana laga soo dhex
qabtay, waxaana lagu xidhay saldhiga dekeda dhexdeeda. Iyada oo ay
hawlgalkaasi fuliyeen ciidanka dekeda oo uu soo kaxaystay maareeyaha
dekeda Berbera, Cali Xoor-Xoor. Waxa kale oo xafiiska laga qaatay
Computer-kii xafiiska Red Sea ee uu inankaasi masuulka ka ahaa ee ay
sirtii ganacsiga shirkadu ku jiray.
Waxaana inankan lagu eedeeyey inuu Djibouti u gudbiyey manifest-ka dekedda
Berbera ee waxa soo dega iyo waxa ka baxaya.
Markaa anagu taasi dambi uma aragno cid lagu xidhi karo, waxaanuse u
aragnaa in sigaarkii red sea keeni jirtay ee la dhoofin jiray inuu inanku
ogaado la diidan yahay.
Waxa kale oo uu aanu u arkaynaa in marka Ciisaha Somaliland xuquuqdooda la
dulmiyayo ayaa Djibouti lagu eedeeyaa si dadka kale ee reer Somaliland loo
nacsiiyo.
Xeerka habka Ciqaabtuna ma ogola in iyada oo aan waaran maxkamadeed loo
haysan la soo xidho ama la baadho masuul xafiis shirkad ganacsi. Markaa
waxaan soo jeedinayaa in si deg deg ah inankaasi xorriyadiisii loogu soo
celiyo, loona sii daayo, haddii ay taasi dhici weydana waxaanu leenahay
waa arrin kale, waxaananu u arkaynaa in lagu duudsiyayo xuquuqdayadii”. Top
Madaxweyne
Rayaale Oo Qoraallo Cusub U Kala Diray
Komishanka Doorashooyinka Iyo Xisbiga KULMIYE |
“Xilka Ku Wareejiya Agaasimaha Komishanka
Xafladna Waanu Idiin Samayn” “Si Dhakhso ah U
soo magacaaba Xubintiinii Komishanka, Waxaanan Idinkula Talinayaa Inuu
Noqdo Reer Sool”
Hargeysa, February 22, 2007 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir
Rayaale Kaahin ayaa shalay Komishanka Doorashooyinka Qaranka u diray
qoraal uu ku wargelinayo inay xilka ku wareejiyaan dadka shaqaalaha ah ee
ka hoos shaqeeya, gaar ahaan Agaasimaha maamulka ee xafiiska Komishanka.
Sidoo kale Madaxweyne Rayaale waxa uu isla shalay qoraal u diray Xisbiga
Mucaaridka ah ee KULMIYE, qoraalkaas oo uu kaga dalbanayo inay si dhakhso
ah u soo magacaabaan xubintoodii Komishanka, isaga oo qoraalkiisa ku
sheegay in xubinta ay xisbiga KULMIYE soo magacaabayaan ay ka soo dhigaan
qof u dhashay gobolka Sool.
“Waa inaad si dhakhso ah u soo magacowdaan xubintii Komishanka, waxaanan
idinkula talinayaa inaad soo magacowdaan qof reer Sool ah” ayuu Madaxweyne
Rayaale ku yidhi qoraalka uu u diray xisbiga KULMIYE.
Qoraalka kale ee uu Madaxweyne Rayaale u diray Komishanka Doorashooyinka
waxa uu ku sheegay inay xukuumadiisu xaflad sagootis ah u samaynayso
Komishanka Doorashooyinka isaga oo yidhi: “Xilka ku wareejiya Agaasimaha
Komishanka, idinkana waxaanu idiin samaynaynaa xaflad iyo bilado
abaalmarin ah.”
Madaxweyne Rayaale waxa uu qoraaladan u kala diray Komishanka iyo Xisbiga
KULMIYE, maalin kadib markii uu Golaha Wakiiladu soo saaray go’aan uu
xilka ugu cusboonaysiiyay Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee muddada
shanta sannadood ah soo shaqaynayay, kuwaas oo uu muddada xilkoodu ku ekaa
21 January ee ina dhaaftay, wuxuuna go’aanka golaha Wakiiladu ka dambeeyay
kadib ay markii horjoogsadeen dibna u celiyeen xubno Komishan ah oo uu
Madaxweyne Rayaale soo magacaabay, taas oo ay Wakiiladu ku sababeeyeen
inaanu waafaqsaneen nidaamka sharci ee dhismaha Komishanka iyo sunnaha
saami qaybsiga ee gobolada dalka, iyo weliba tirada Komishanka ee loo
baahnaa oo kala dhiman.
Qoraalada uu Madaxweyne Rayaale u kala diray labadan meelood waxay u
muuqataa inuu dhegaha ka furaystay go’aankii golaha Wakiilada ee uu
muddada labada sannadood ah ugu cusboonaysiiyay Komishanka Doorashooyinka
Qaranka, isla markaana uu damacsan yahay inuu qorshayaashiisa ku saabsan
samaynta Komishan cusub meel mariyo.
Hase yeeshee ilaa hadda Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiga
KULMIYE lama sheegin wax jawaab ah oo ay qoraaladaa ka bixiyeen, lamana
ogga jawaabta ay ka bixin doonaan nooca ay tahay iyo inay aqbali doonaan
iyo in kale. Sidoo kale lama ogga sida uu golaha Wakiiladu ka yeeli doono
haddii uu Madaxweyne Rayaale dhegaha ka furaysto ama daadefeeyo go’aankii
ay golaha Wakiiladu muddada ugu cusboonaysiiyeen Komishanka Doorashooyinka
Qaranka.
Inkasta oo uu Madaxweyne Rayaale qoraalada caynkaas ah u kala diray
Komishanka iyo Xisbiga KULMIYE, haddana waxa jira warar kale oo tibaaxaya
inuu Madaxweyne Rayaale diyaarinayo sidii go’aanka Golaha Wakiilada ee
cusboonaysiinta xilka Komishanka ugu gudbin lahaa Maxkamadda Dastuuriga ah
si loo daadefeeyo.
Waxa kale oo socdo dhaqdhaqaaqyo iyo olole ay Madaxweyne Rayaale iyo
xukuumaddiisu ku baadi doonayaan sidii ay mar kale golaha Wakiilada u
marsiin lahaayeen xubnihii uu soo magacaabay ee ay dib ugu celiyeen,
waxaana labadii maalmood ee u dambeeyay socday dhaqdhaqaaqyo iyo yaacyaac
arrintaas ku saabsan, waxayna arrintaasi u muuqataa inay keenayso khilaaf
hor leh oo ka aloosma mawduuca Komishanka Doorashooyinka oo imikaba uu ka
taagan yahay khilaaf aan weli si weyn dibadda ugu soo bixin, laakiin si
aad ah u hulaaqmaya. Top
Masuuliyiin
Xalay Lagu Khaarajiyay Muqdisho Iyo 42
Xildhibaan Oo Laga Joojiyay Inay Ka Qayb-galaan
Fadhiyada Baarlamaanka Mbagathi |
Muqdisho, February 22, 2007 (Haatuf) – Laba
ka mid ah masuuliyiinta maamulka degmooyinka Muqdisho ayaa xalay koox aan
la aqoonsani dilal toogasho ah ku khaarajiyeen.
Xalay Fiidkii ayay kooxo hubeysani ay ku dileen Degmada Yaaqshiid gaar
ahaan halka loo yaqaano Jiiro garoob Gudoomiyihii Degmadaasi oo la odhan
jiray Muxiyadiin Xasan Xaaji, xili uu ku sii jeeday gurigiisa.
Kooxaha Falkan dilka ah geystay ayaa afar xabadood ku dhuftay Marxuum
Muxyadiin, taas oo markii loola cararay Cusibitaalka keentay in uu u
dhinto Rasaasta lagu dhuftay.
Ragii ka dambeeyey falkan ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay mid ka
mid ah Ragaasi oo haatan lagu hayo Saldhiga Degmada Yaaqshiid, iyadoo ay
kuwii kale baxsadeen lana baadi goobayo.
Dhinaca kale isla xalay waxaa degmada Madiina gaar ahaan xaafadda Wadajir
lagu dilay gudoomiye ku xigeenkii Degmadaasi Cabdi Cumar Googooye, ka dib
markii isagana koox hubeysan rasaas la dhaceen.
Marxuumiintan la dilay ayaan illaa hada la ogeyn sababta keentay dilkooda,
hase yeeshee maalmihii tegay ayaa waxaa la sheegay in ay wadeen abaabul
xoog leh oo lagu abuurayey ciidamo Xaafadeedka loo yaqaano Madaniga, si ay
uga hortagaan kooxaha abaabulan ee falalka qaraxyada ah xiliyada habeenkii
ka wada Magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, gudoomiye xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mbagathi ee
fadhigiisu yahay Baydhabo, Cismaan Cilmi Boqore, ayaa shalay soo saaray
go’aan 42 xildhibaan laga joojinayo inay ka qayb-galaan fadhiyada
baarlamaanka Mbagathi ku yeeshaan.
42kan xildhibaan ayaan loo ogolaan doonin ka
qayb-galka fadhiyada baarlamaanka ilaa ay soo caddaynayaan sababta
maqnaashahooda ay in muddo ahba kaga maqnaayeen fadhiyada baarlamaankaas.
Xildhibaanadan ayaa waxa ka mid ah Cabdalla Xaaji Cali iyo Faarax
Ismaaciil oo iyagu habeen hore soo gaadhay magaalada Baydhabo. Sidoo kale
waxaa ka mid ah xildhibaanada Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankaas ee isaga
dhowaan xilka laga qaaday Shariif Xasan Sh. Aadan iyo xubno kale oo ay ka
mid yihiin Yuusuf Dheeg iyo Jaamac Cali Jaamac, kuwaas oo la sheegay inay
hadda ku kala maqan yihiin Djibouti iyo dalal kale oo dibadda ah. Top
Nin La
Shaqaynayay Maleeshiyooyinkii Maxaakiimta Muqdisho
Oo Maxkamad Lagu Soo Taagay Maraykanka |
Houston, February 22, 2007 (W. Wararka) –
Nin lagu eedeeyey in uu ka mid ahaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee
Muqdisho ee laga adkaaday, isla markaasna la dagaalgalay ayaa la soo
taagay maxkamad ku taal waddanka Maraykanka.
Maxkamadeynta Daniel Joseph Moldanado oo ah
28 jir isla markaana loo yaqaan Daniel Al-Jugeyfi, ayaa waxaa lagu soo
oogay dacwado ay ka mid ahaayeen inuu isku dayay inuu Afgambiyo Dawladda
Mbagathi ee Somalia.
Dacwad Oogayaasha, ayaa u yeedhay wakiil ka socday Hay'adda dambi
baadhista Maraykanka ee FBI-da la yidhaahdo, Mr. John McKinley, kaas oo
Maldonado ku eedeeyay inuu tababar siiyay ururo Argagixiso ah, hase
yeeshee hay’adda Amniga gudaha waddanka Maraykanka ee FBI ayaa la
weydiistay in ay maxkamadda horteeda keento cadaymo kale oo dheeraad ah.
Maldonado, oo dalka Maraykanka dib loogu celiyay bishan February, ayaa ah
muwaadinkii ugu horeeyay ee Maraykan ah ee la tuhunsan yahay inuu ku
biiray argagixisada ka jirta Somalia, isla markaasna uu ku hawlanaa in uu
afgambiyo dawladda Cabdillaahi Yuusuf, sida uu sheegay Kaaliyaha xeer
ilaaliyaha Guud Kenneth Wainstein. Top
Siiradii Rasuulka (SCW)
Waa buug dhawaan soo bixi doona oo magaciisa la yidhaahdo “Furaha Quluubta”,
waxaana qoray Qoraaga reer Somaliland ee Maxamed Xaashi Cismaan. Buuggan
waxa uu ka hadlayaa Siiradii Rasuulka {SCW), islaamka ka hor iyo jasiirada
Carabta. Haddaba waxaad kala socon doontaan Qaybihiisa Wargeyska Haatuf,
haddii Eebe Idmo oo uu si xidhiidh ah ugu bixi doono
Qaybtii - 43aad
CUTUBKA SAGAALAAD
QURAYSH OO WAFDI U DIRTAY NAJAASHI
Qurayshi markii ay aragtay in asxaabtii Rasuulku SCW ay nabadgaleen kana
heleen deggenaansho iyo ammaan dhulkii Xabashida, ayey ka shireen
arrinkooda. Waxayna ula muuqatay in joogistooda halkaasi ay khatar weyni
ugu jirto. Waxayna ku tashadeen in ay ka daba dirto laba nin oo adag oo ka
mid ah, inuu boqor Najaashi ku soo celiyo si ay diintooda uga leexiso,
ugana soo saaro dalkiisa ay ku degeen kuna nabad galeen. Waxay u direen
Cabdillaahi Bin Abii Rabiica, iyo Camar Bin Caas Bin Waa’il. Waxayna u soo
ururiyeen hadiyado Najaashi iyo wadaadadiisii, dabadeedna way u direen.
Umu Salama Bintu Abii Umaya Bin Muqiira, xaaskii Rasuulka SCW waxa laga
soo wariyey in ay tidhi: Markii aanu degnay dhulka Xabashida waxay noola
jaareen jaarkii u fiicnaa, waxaanu u helnay nabad gelyo diintayadii, una
caabudnay Ilaahay korreeye tiiyoon nala dhibayn, kana maqalayn wax aanu
diidno. Markay taasi gaadhay Quraysh ayey ku tashadeen dhexdoodii in ay u
soo diraan Najaashi laba nin oo adag, iyo inay hadiyado u soo diraan
Najaashi alaabtii Maka kuwii ugu fiicnaa. Wax uga yimaada hadiyadna wuxuu
u jeclaa Maaska. Waxay u soo ururiyeen Maas fara badan, mana jirin
wadaadadiisii mid aanay ugu soo talo galin hadiyad. Dabadeed waxay ugu soo
dhiibeen Cabdillaahi Bin Abii Rabiica iyo Camar Bin Caas, waxay fareen
kuna soo adkeeyeen in ay siiyaan wadaad kasta hadiyaadiisa ka hor
intaydaan Najaashi kala hadlin. Dabadeedna Najaashi ay siiyaan hadiyadiisa,
markaasina weydiistaan inuu idiin soo dhiibo ka hor intaanu la hadlin
iyaga. Way soo baxeen ilaa ay u yimaadeen Najaashi anaka oo deggan guri
khayr leh, iyo jaarkii u fiicnaa agtiisa. Manuu jirin madaxdii ka
hoosaysay mid aanay hadiyadiisii u dhiibin ka hor intaanay la hadlin
Najaashi, mid kasta oo ka mid ahna, waxay ku yidhaahdeen: Waxa u soo
fakaday dhulka boqorka wiilal anaga ah oo waalan, oo ka soo baxay diintii
reerkooda, oon soo gelina diintiina, lana yimid diin cusub, oo naan
garannayan anaga iyo idinku toona. Waxaana boqorka noo soo diray madaxdii
qoladooda si uu ugu soo celiyo, ee markaanu boqorka kala hadalno iyaga u
tilmaama oo u sheega in uu noo dhiibo anaga oo yaanu la hadlin, waayo
qoladoodaa ka il dheer iyaga, ka ogna waxay ku ceebeeyeen. Waxay ku
yidhaahdeen: Haye, dabadeedna waxay u geeyeen hadiyadiisii Najaashi waanu
ka gudoomay. Markaasi ayey la hadleen oo ay ku yidhaahdeen: Boqoryahow,
waxa u soo baxsaday dhulkaaga wiilal naga mid ah oo waalan, oo ka baxay
diintii qoladooda, oon soo gelina diintaada, lana yimid diin cusub oo naan
garannayn anaga iyo adigu toona. Waxaana noo kaa soo diray madaxdii
qoladooda ooy ka mid yihiin, aabayaashood, adeeradood iyo xigtadooodii si
aad ugu soo celiso.
Umu Salama waxay tidhi: May jirina wax uga necayb badnaa Cabdillaahi Bin
Abii Rabiica iyo Camar Bin Caas inuu Najaashi ka dhegaysto Muslimiinta
hadalkooda. Markaasi ayey madaxdiisii hereero taagnaa yidhaahdeen:
Boqoryohow, waa runtood, qoladoodaana iyaga ka il dheer oo ogna waxay ku
ceebeeyeen, ee u soo dhiib ha ku celiyaan dalkoodii iyo qoladoodiiye.
Markaasu Najaashi cadhooday dabadeedna yidhi, ”Ilaahay baan ku dhaartee
maya, in aanan u dhiibayn, mana dhacayso dad ila soo jaaray, oo ku soo
degay dalkayga oo igana doortay qarkay, ilaa aan u yeedho weydiiyana waxan
ay ku sheegayaan labadan nin arrinkooda. Haddii ay yihiin sida ay
sheegayaana waan u dhiibi, kuna celini qoladoodii, haddiise ay noqdaan si
ka duwan taasi waan u diidi, waanan wanaajin jaarnimadooda wixii ay iila
jaareen!”
Umu Salama waxay tidhi: Dabadeed wuxuu u cid diray asxaabtii Rasuulka SCW,
una yeedhay. Markii uu u yimid kii uu u soo diray una sheegay in uu
boqorku doonayo ayey isu yimaadeen, ooy arrinkii gorfeeyeen Maxaydun ku
odhani boqorka markaad u tagtaan? Waxay yidhaahdeen: Waxaanu ku odhani
Ilaahay baanu ku dhaaranee wuxuu na baray, iyo wuxuu na faray Nebigeenu,
wax kastaaba ha dhacaane. Markay u yimaadeena wuxuu Najaashi u yeedhay
culimadiisii oo ku kala furay kutubtoodii hareertiisii. Markaasu weydiiyay
oo uu ku yidhi: Waa maxay diintan idinka soo saartay qoladiinii, ee aydaan
gelin diintayda iyo diin cid kale haysato toona?
Wuxuuna ahaa kii la hadlay ee afhayeenka u noqday Jacfar Bin Abii Daalib,
markaasu ku yidhi: “Boqoryahow, waxaanu ahayn dad jaahiliyad ku hoos nool
oo caabuda Sanamyada, oo bakhtiga cuna, oo sameeya xumaan, oo gooya
riximka, oo xumeeya jaarka, oo kaayaga xoogani uu cuno ka liita. Anagoo
sidaa ah ilaa uu Ilaahay noo soo diray Rasuul naga mid ah, oonu garannayno
nasabkiisa iyo runtiisa, ammaanadiisa iyo wanaagiisa. Wuxuu noogu baaqay
Ilaahay in aanu keliyayno oonaan u shariik yeelin, oonu caabudno, farahana
ka qaadno wixii aanu caabudaynay anaka iyo aabbayaashayo ka sakow ee
dhagxaan iyo Sanamyo ahaa. Wuxuuna na faray inaanu runta sheegno,
ammaanada dhawrno, oonu riximka xidhiidhino, jaarka wanaajino iyo in aanu
faraha ka qaadno xaaraanta iyo dhiiga. Wuxuuna noo diiday fawaaxishka (zinada),
hadalka beenta ah, cunida maalka agoonta iyo in lagu tuuro haweenka dembi
aanay lahayn. Waxa kaloo uu nafaray in aanu caabudno Ilaahay kelidii waxna
la shariik yeelin isaga, wuxuu na faray salaadda, Zekeda iyo soonka. Umu
Salama waxay tidhi: Markaasu u tiriyay arrimihii Islaamka. Dabadeedna
waanu rumaynay oonu aaminay, oonu ku raacnay waxa uu xagga Ilaahay nooga
keenay. Ilaahayna waanu caabudnay kelidii waxna la shariik yeelin, wixii
Ilaahay xarimayna waanu xarimnay, wixii uu noo xalaaleeyayna waanu
xalaashanay waxaana na colaadiyay qoladayadii oo na dhibay nagana
fidmeeyay diintayadii, si ay dib noogu celiyaan caabudaadii Sanamyada, iyo
in aanu xalaashano wixii aanu xalaashan jirnay ee xumaa. Markii ay na
dhibeen eey na dulmeen eey nagu cidhiidhyeen, eey diintayadii iska kaayo
hortaageen ayaanu dalkaaga u soo baxnay, oonu cid kasta kaa soo dooranay,
oonu doonay jaarnimadaada, waxaananu rajaynaynaa in aan nalagu dulmiyin
agtaada Boqoryahow!
Markaasu Najaashi ku yidhi: Ma ka haysaa wixii uu ka keenay xagga Ilaahay
waxna? Jacfar ayaa ku yidhi: Haa, markaasu Najaashi ku yidhi: Bal ii akhri.
Wuxuu u akhriyay Suuradda Maryam (Kaaf Ha Ya Cayn Saad) Umu Salama waxay
tidhi: Markaasu ooyay Najaashi Ilaahay baan ku dhaartee ilaa ilmadii
qoysay gadhkiisii, culimadiisina way ooyeen ilaa ilmadii qoysay
kutubtoodii markay maqleen wixii uu akhriyay! Markaasu Najaashi ku yidhi:
Kan iyo kii Ciise CS la yimid il keliya ayey ka soo wada baxayaan! Waar
ordoo iska taga, Ilaahay baan ku dhaartee weligayna idiin dhiibi mayo!
Umu Salama waxay tidhi: Markii ay ka baxeen ayuu Camar Bin Caas yidhi:
Ilaahay baan ku dhaartee inaan u keenaa berrito arrin uu gam kaga dhigo!
Markaasu Cabdillaahi Bin Abii Rabiica ku yidhi, oo ahaa labada nin kii noo
naxayey: Ha yeelin sidaa, waayo waa riximkeenii inkasta oo ay innaga
horyimaadeen. Wuxuu yidhi: Ilaahay baan ku dhaartee in aan u sheegi inay
iyagu ku andacoonayaan inuu Ciise Bin Maryam addoon ahaa! Dabadeed
maalintii dambe ayuu ku yidhi: Boqoryahow, kuwani waxay ka sheegayaan
Ciise Bin Maryam hadal weyn, ee bal u cid dir oo weydii waxa ay ka
yidhaahdaan. Wuuna u cid diray asxaabtii si uu u weydiiyo. Umu Salama
waxay tidhi: Namana helin (naxdin) tu la mid ahi weligayo! Dadkii ayaa isu
yimid markaasi ayaa la is weydiiyay: Maxaa ka odhanaysaan arrinka Ciise
Bin Maryam hadduu idin weydiiyo? Waxay yidhaahdeen waxaynu odhan Ilaahay
baanu ku dhaaranee wixii Alle yidhi, iyo wuxuu Nebigeenu SCW innooga
keenay, wax kastaa ha ka dhacaane!
Markii ay u soo galeen ayuu Najaashi ku yidhi: Maxaa ka odhanaysaan Ciise
Bin Maryam? Markaasu Jacfar Bin Abii Daalib yidhi: Waxaanu ka leenahay
wixii uu Nabigayagu nooga sheegay, wuxuu yidhi: Waa addoonkii Ilaahay iyo
Rasuulkiisii iyo ruuxdiisii, iyo kelimadiisii uu ku soo tuuray Maryamtii
bikrada ahayd. Markaasu Najaashi ku dhuftay gacantiisii dhulka, kana soo
qaaday qori yar, dabadeedna yidhi: Ilaahay baan ku dhaartee inaanu Ciise
Bin Maryam ku darrin sidaad tidhi in qorigan le’egna. Markaasi ayey
baadariyadiisii buuqeen hareero joogay ooy kor u qaadeen codkoodii markuu
yidhi wuxuu yidhi. Najaashi ayaa yidhi: Weligiinba guuxa Ilaahay baan ku
dhaartee, waar ordoo iska taga, ammaan ayaad ku tihiin dhulkayga e, ka
idin caayaana waa ganaax (saddex Jeer )! Ma jeclina inaan buur dahab ah
qaato aniga oo dhibay nin idinka mid ah ! Waar ku celiya hadiyadoodii dan
uma lihiye. Umu Salama waxay tidhi: Waxay ka baxeen iyagoo fool xun oo
hungoobay, laguna soo celiyay hadiyadoodii ay u keeneen. Waxaanu ku
joognay agtiisii gurigii u fiicnaa iyo jaarkii u fiicnaa.
Waxay tidhi: Ilaahay baan ku dhaartee anagoo khayrkaa ku sugan, ayuu nin
Xabashida ka mid ahi ku qabsaday Najaashi boqortooyadiisii. Ilaahay baan
ku dhaartee ma garannayno murugo nagaga adkayd oo na soo marta weligayo,
ka baqasho in uu ninkaasi ka guulaysto Najaashi, oo uu yimaad nin aan
garannayn xaqayaga siduu u garannayo Najaashi. Waxa u baxay Najaashi
tiiyoo uu u dhexeeyo webiga Niil. Markaasi ayey asxaabtii Rasuulku SCW
yidhaahdeen: Waa kuma ninka u baxaya dirirta qoladan ee war inooga
keenayaa? Zubayr Bin Cawaam ayaa yidhi, ”Aniga” oo isagu ahaa ka ugu da’da
yar dadka. Waxay u buuxiyeen qarbad oo loogu xidhay laabtiisii, markaasu
ku dabaashay ilaa uu u gudbay dhankii kale ee webiga Niil ee dirirtu ka
dhacaysay, wuuna socday ilaa uu gaadhay goobtii.
Waxay tidhi: Markaasi ayaanu Ilaahay u barinay Najaashi inuu ka guuleeyo
Cadowgiisa, oo isagu xukumo dalkiisa. Ilaahay baan ku dhaartee anagoo
sidaasi filayna mise waxa soo baxay Zubayr isaga oo ordaya, oo go’a
haadinaya, oo leh: Bushaaraysta waxa guulaystay Najaashi! Ilaahayna wuu
halligay cadowgiisii, dalkiina wuu qabsaday, arrinkii Xabashiduna wuxuu ku
soo ururay gacantiisa. Waxaananu ku joognay agtiisa gurigii u fiicnaa,
ilaa aanu ku soo noqonay Rasuulka SCW isagoo Maka jooga.
Shirqoolkii Qurayshina halkaasu ku baaba’ay looguna soo celiyay
hadiyadahoodii, markii uu Boqor Najaashi ku yidhi: Ilaahay baan ku
dhaartee Ilaahay igama qaadan laaluush markuu igu soo celiyay boqor
nimadaydii, dadkuna iguma addeecin ee ma anigaa ku addeeca dadka! Wuxuuna
wafdigii ku soo laabtay Maka isagoo murugeysan. Qurayshina waxay ogaatay
inay Islaamka ku colaadin karto uun soohdinteeda, ka dib markuu
wefdigoodii guul daro ka soo raacday u socdalkii dalka Xabashida. Waxayna
goosatay inay cadhadeeda kula dhacdo cidii ku hoos jirtay gacanteeda, iyo
cida soo gasha xuduudeeda. Warrin kale waxa
laga soo wariyey Ibnu Mascuud inuu yidhi: Rasuulku SCW wuxuu noo diray
Najaashi anaka oo ah Siddeetameeye nin, ooy ku jiraan: Cabdillaahi Bin
Mascuud, Jacfar, Cabdillaahi Bin Carfada, Cusmaan Bin Madcuun iyo Abuu
Muuse oo gaadhay Najaashi. Qurayshina waxay dirtay Camar Bin Caas iyo
Cummaara Bin Waliid oo hadiyado u sida, markii ay u soo galeen Najaashi
ayey u sujuudeen, dabadeedna iska taageen midigta iyo bidixda ooy ku
yidhaahdeen: Qolo aanu ilmaadeer nahay ayaa ku soo degay dhulkaaga oo ka
baxay diintayadii. Wusxuu yidhi: Halkay joogaan? Waxay yidhaahdeen:
Dhulkaaga, ee u cid dir, markaasu u cid diray. Jacfar ayaa ku yidhi
asxaabtii: Anigaa afhayeenkiina ah maanta ee I raaca, markuu u soo galay
ayuu salaamay oonu sujuudin. Waxay ku yidhaahdeen: Maxaa dhacay ee aad ugu
sujuudi weyday boqorka? Wuxuu yidhi: Anagu uma sujuudno cid aan Ilaahay
ahayn. Wuxuu yidhi: Kaasu waa ayo? Wuxuu yidhi: Ilaahay baa noo soo diray
Rasuul oo na faray in aanaan u sujuudin cid Ilaahay mooyaane, oo na faray
salaadda iyo Zekeda. Camar Bin Caas ayaa yidhi: Waxay kugu diidan yihiin
Ciise Bin Maryam. Najaashi ayaa yidhi: Maxaa ka leedihiin Ciise Bin Maryam
iyo hooyadii? Wuxuu yidhi: Waxaanu leenahay siduu Alle yidhi: Isagu waa
kelimadiisii iyo ruuxdiisii uu ku soo tuuray Maryantii bikrada ahayd tii
aanu taaban bashar. Wuxuu yidhi: Markaasu Najaashi ul dhulka ka soo qaaday,
dabadeedna uu yidhi: Xabashiyeey iyo baadariyadow, Ilaahay baan ku
dhaartee kumay kordhinin waxaynu ku sheegno wax intaa le’eg, soo dhowaada
idinka iyo ka aad agtiisa ka timaadeen. Waxaan qirayaa inuu yahay
Rasuulkii Ilaahay, waana kii aanu ku haynay Injiil. Waana Rasuulkii uu ku
bushaareeyay Ciise Bin maryam, ee ku dega meeshaad doontaan, Ilaahay baan
ku dhaartee hadaanan boqor ahayn waan u tegi lahaa ilaa aan noqdo anigu
kii kabihiisa u qaada. Wuxuuna faray hadiyadihii kale in loo celiyo.
Xadiis Abuu Hurayra oo ku sugan Saxiixaynka, wuxuu sheegay inuu Rasuulku
SCW u sheegay maalintii uu geeriyooday Najaashi oo uu u saaray salaadd,
safna u joojiyay afar jeerna takbiiray (Allaahu akbar).
Caddaa wuxuu ka soo wariyey Jaabir in uu yidhi: Rasuulku SCW wuxuu yidhi:
Markii uu Najaashi dhintay, maanta waxa dhintay nin saalix ah ee kaca oo
ku tukada walaalkiin Asxama (waa magacii Najaashi). Kuna tukadeen dembi
dhaafna u baryay.
Caa’isha waxa laga soo wariyey inay tidhi: Markuu dhintay Najaashi
Rasuulku SCW wuxuu sheegi jiray in uu weli ku dul arko nuur qabrigiisii.
Abii Amaama waxa laga soo wariyey in uu yidhi: Wafdi Najaashi ka socda
ayaa u yimid Rasuulka SCW, markaasu Rasuulku SCW u kacay adeegoodii.
Asxaabtiisii ayaa tidhi: Rasuul Allow, anagaa kaaga filan. Markaasu ku
yidhi:”Waxay wanaajiyeen asxaabtaydii aniguna waxaan jeclahay inaan u gudo”.
Boqor Najaashina wuxuu geeriyooday bishii Rajab sannadkii sagaalaad ee
Hijrada. Xidhiidh badan oo dhex maray Rasuulkana SCW intii uu noolaa
waxaynu ku mari doona siirada dhexdeeda, haddii Alle idmo.
ISLAAMIDII CUMAR BIN KHADAAB
Markii Quraysh ay ku soo noqdeen Camar Bin Caas iyo Cabdillaahi Bin Abii
Rabiica, kuna soo guuldaraysteen hawshii loo diray, Najaashina kale
kulmeen waxay necbaysteen, ayaa muddadaasi waxa dhacay arrin Muslimiintii
u sii kordhiyay yididiilo, gaaladiina hoog. Waa islaamidii Cumar Bin
Khadaab, oo ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee ku dheel dheelayey Islaamka,
dhibaatadana ku hayey. Waxaana lagu yaqaanay adayg iyo xoogganaan, in
badanna waxay Muslimiintu kala kulmeen dhibaato. Markiise uu Islaamay
Cumar iyo Xamze oo ka horreeyay way iska hortaageen dhibtii ay Qurayshi ku
haysay asxaabtii Rasuulka SCW, ilaa ay ka guulaysteen.
Cabdillaahi Bin Mascuud wuxuu odhan jiray: Maanaan karayn in aanu ku
tukano Kacbada agteeda ilaa uu Cumar Islaamay, markuu Islaamayna wuxuu la
diriray Qurayshtii, ilaa uu ku tukaday Kacbada agteeda, oonu kula tukanay.
Islaamida Cumarna waxay ahayd ka dib markii asxaabtii Rasuulku SCW ay u
baxeen dhulka Xabashida.
Umu Cabdillaahi Bintu Abii Xasma oo ahayd ooridii Caamir Bin Rabiica, oo
ka warramaysa ka hor islaamidii Cumar waxay tidhi: Anagoo Ilaahay baan ku
dhaartee u diyaar garoobayna u socdaalkii dalka Xabashida, oo Caamirna uu
u yara baxay inuu soo dhammaysto danahayagii qaar, ayaa waxa iga hor yimid
Cumar Bin Khadaab isna soo kay dul taagay isagoo mushrik ah. Waxay tidhi:
Waxaananu kala kulmaynay dhib iyo adayg uu nagu hayey. Wuxuu igu yidhi:
Miyaa dhaqaaqaysaan Umu Cabdillaahiyey ? Waxaan idhi: Haa oo Ilaahay baan
ku dhaartee waxaanu isaga bixi dhulkaa Ilaahay, waad na dhibteen oo na
kadeedeen, ilaa inta Ilaahay faraj noo furayo. Markaasu yidhi: Ilaahay ha
idinla jiro! Waxaanan ka arkay naxariis aanan hore uga arag, dabadeedna
wuu iska tegay isagoo ka murugaysan araga bixitaankayaga. Waxay tidhi:
Markii uu yimid Caamir soona dhammaystay danahiisii ayaan u warramay, oon
ku idhi: Cabdillaahi aabbihiiyow, haddii aad arki lahayd Cumar
damqashadiisii iyo sidii uu innoogu murugooday. Wuxuu yidhi: Ma in uu soo
islaamo ayaad ka dhadhamisay? Waxay tidhi: Haa, wuxuu yidhi: Ma islaamayo
kii aan arkay ilaa uu islaamo dameerka Khadaab! Waxay tidhi: Wuu ka
quustay, wixii uu ka arkayey ee ahayd kululaan iyo qallafsanaantiisii
Islaamka.
Sababta Islaamidii Cumarna waxay ahayd sheeko dhexmartay walaashii Faadumo
Bintu Khadaab oo islaamtay iyo ninkeedii Saciid Bin Zeyd, oo ka qarinayey
islaamnimadooda Cumar. Nucaym Bin Cabdillaahi Bin Al Naxaamna wuxuu ahaa
nin ay Cumar isku reer Bani Cadi Bin Kacab yihiin, oo islaamay, oo isna
qarsanayey islaamnimadiisa ka baqasho reerkiisa ah awgeed.
Khabaab Bin Arat ayaa u tegi jiray Faadumo Bintu Khadaab oo Quraanka u
akhriyi jiray. Markaasu Cumar maalin soo baxay isagoo sita seeftiisii oo
doonaya Rasuulka SCW iyo rag ka mid ah asxaabtiisa, oo loogu soo sheegay
inay ku urureen guri Safa agteeda ah, oo ah afartan ku dhowaad rag iyo
haweenba. Rasuulkana SCW ay la joogaan markaasi Xamze Bin Cabdi Mudalib,
Abuu Bakar Sadiiq, Cali Bin Abii Daalib, iyo rag kale oo Muslimiinta ka
mid ah, oo kula hadhay Rasuulka SCW Maka oon raacin kuwii u baxay dalka
Xabashida. Waxa jidka kula kulmay Nucaym Bin Cabdillaaahi, oo ku yidhi:
Xaggeed doonaysaa Cumarow? Wuxuu yidhi: Waxaan doonayaa Muxammed kan
diintii ka baxay, kaa qaybiyay arrinkii Quraysh, ee ceebeeyay diinteedii,
ee caayey Ilaahyadoodii si aan u dilo. Markaasu Nucaym ku yidhi: Ilaahay
baan ku dhaartee Cumarow naftaadu way kuu been sheegtay! Ma kula tahay in
reer Bani Cabdi Manaaf kugu daayaan ood dhulka ku dul socoto, adigoo
Muxammed dilay! Maad iskaga noqotid reerkaaga oo aad hagaajisid arrinkooda?
Wuxuu yidhi: Waa ayo reerkaygu? Wuxuu yidhi: Waa seedigaa iyo ina adeerkaa
Saciid Bin Zeyd, iyo walaashaa Faadumo Bintu Khadaab, oo Ilaahay baan ku
dhaartee way Islaameen ooy raaceen Muxammed diintiisii, ee iyaga ku ekow
waxna ka qabo.(sidaana wuxuu u yeelay inuu ka jeediyo Rasuulka SCW u
baqasho darteed, dhibaataynta Faadumo iyo ninkeeduna ka hawl yar tahay).
Cumar ayaa isku rogay isagoo doonaya walaashii iyo seedigii, tiiyoo uu la
joogo Khabaab Bin Arat oo haysta xaashi ay ku taal “Daaha” oo uu u
akhriyayey. Markay maqleen sanqadhii Cumar ayuu Khabaab isku qariyay qol
yar oo guriga dhexdiisa ahaa, Faadumana waxay qaaday xaashidii kuna
qarisay bowdyaheedii. Cumarna wuu maqlayey markuu guriga u soo dhawaaday
Khabaab akhriskiisii. Markuu u soo galayna wuxuu yidhi: Waa maxay
xamxamtii aan maqlayey? Waxay ku yidhaahdeen: Waxba maad maqal. Wuxuu
yidhi: Ilaahay baan ku dhaartee waa la ii warramay in aydun raacdeen
Muxammed diintiisii! Seedigii Saciid Bin Zeyd ayuu si adag u qabtay Cumar,
markaasi ayey u soo kacday walaashii Faadumo Bintu Khadaab si ay uga
qabato ninkeeda, markaasu garaacay walaashii oo uu dakhray. Markuu sidaas
u galay ayey is haysan kari weyday, ooy ku yidhaahdeen walaashii iyo
seedigiiba: Haa, waanu Islaamnay oo rumaynay Ilaahay iyo Rasuulkiisa, ee
samee waxaad rabto! Markuu Cumar arkay walaashii dhiiga ka socda ayuu ka
xumaaday wixii uu sameeyay, oo u ka joogsaday. Markaasu walaashii ku yidhi:
Ii dhiib xaashidaas aan idinka maqlayey ee akhriyayseen imika, aan eego
waxan uu Muxammed la yimid eh.? Cumarna wuu yaqaanay wax qorista.
Markuu sidaasi yidhi, ayey walaashii ku tidhi: Waanu kaaga baqanaynaa
xaashida. Wuxuu yidhi: Ha iiga baqanin. Waxaanu ugu dhaartay Ilaahyadiisii
innuu ku soo celinayo markuu akhriyo. Markuu sidaa yidhi ayey walaashii
damacday islaamidiisa. Waxaanay ku tidhi: Walaalkayow, ma daahirsanid,
shariiknimadaada, mana taabanayo qof daahir ah mooyaane! Cumar ayaa kacay
oo soo maydhay, markaasi ayey u dhiibtay xaashidii ooy ku qornayd suuradda
“Daaha”, markuu ka akhriyay sadar ayuu yidhi: Maxaa ka fiican hadalkan oo
ka sharaf badan! Khabaabna markuu sidaas maqlay ayuu u soo baxay wuxuuna
ku yidhi: Cumarow, Ilaahay baan ku dhaartee anigu waxaan rajaynayaa in uu
Ilaahay gaar kaaga dhigay baryadii Nebigiisa, waayo waxaan maqlay shalay
isagoo leh: Allahayow ku xooji Islaamka Abii Xakam Bin Hishaam (waa Abii
Jahal eh) ama Cumar Bin Khadaab! Ee Ilaahay ka yaab Cumarow!
Markaasu Cumar ku yidhi: Khabaabow ii tilmaan meeshuu joogo Muxammed aan u
tago oon Islaamee. Wuxuu ku yidhi: Waa ka jooga guri Safa agteeda ah, lana
joogaan asxaabtiisii qaar. Cumar wuxuu qaatay seeftiisi, una kacay xaggii
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii joogtay. Markaasu ku garaacay albaabkii,
markay maqleen codkisii ayuu nin asxaabtii Rasuulka ka mid ahi kacay oo uu
ka eegay dalookii albaabka, mise waaba Cumar oo seeftiisii sita, Rasuulkii
SCW ayuu ku soo noqday isagoo naxsan. Wuxuuna yidhi: Rasuul Allow, waa kan
Cumar oo seef sitaa. Markaasu Xamze Bin Cabdi Mudalib yidhi: U ogolow ha
soo galee, haddii uu u yimid oo u khayr doon yahay waynu siinaynaaye,
haddiise uu u yimid oo u shar doon yahayna seeftiisa ayeynu ku dili!
Markaasu Rasuulku SCW yidhi: U ogolow, ninkiina wuu u ogolaaday gelidii,
Rasuulka SCW ayaa u kacay ilaa uu kula kulmay gudihii qolka. Wuxuu qabtay
guntigiisii, dabadeedna u soo dhuftay dhufasho adag, ayuu ku yidhi: Maxaa
ku keenay ina Khadaabow? Ilaahay baan ku dhaartee ma arko inaad tegayso
ilaa Ilaahay kugu soo dejiyo Masiibo? Markaasu Cumar yidhi: Rasuul Allow,
waxaan kuugu imid inaan rumeeyo Ilaahay iyo Rasuulkiisa iyo wixii ka yimid
Alle agtiisa! Markaasu Rasuulku SCW takbiiray: Allaahu Akbar,
takbiirtiisii ayey ku garteen asxaabtii inuu Cumar Islaamay. Asxaabtii
Rasuulkuna SCW waxay halkii ku kala tageen, tiiyoo farxadi buuxisay markuu
Cumar islaamay kuna soo biiray Xamze. Waxayna garteen inay labadoodu ka
horjoogsan doonaan Rasuulka SCW dhibaatadii cadowga.
Sida ay ka soo wariyeen reerkiisa qaar wuxuu Cumar yidhi: Markii aan
islaamay habeenkaasi, waxaan xusuustay oon isweydiiyay reer Maka ayaa ugu
darnaa Colaada Rasuulka SCW, si intaan ugu tago ugu soo sheego in aan
islaamay. Waxaan idhi: Waa Abuu Jahal. Waxaan doontay markaan soo toosay
ilaa aan ku garaacay albaabkiisii. Markaasu ii soo baxay, oo uu yidhi: Soo
dhowow wiilkii walaashyow, oo maxaa ku keenay? Waxaan idhi: Waxaan u imid
inaan kuu sheego in aan rumeeyey Ilaahay iyo Rasuulkiisii Muxammed,
rumeeyayna wuxuu la yimid. Wuxuu yidhi: Markaasu albaabkii wajiga igaga
dhuftay, oo uu yidhi: Alle ha ku xumeeyo iyo waxaad iila timidba.
Caddaa iyo Mujaahid waxay ka soo wariyeen islaamidii Cumar Bin Khadaab,
inuu yidhi: Islaamka waan ka fogaa, jaahiliyadiina waxaan ahaa khamriyo
cab, jeclaana in aan ku soo jeedo. Waxaananu lahayn Majlis ay isugu
yimaadaan rag Quraysh ka mid ahi. Wuxuu yidhi: Waxaan u baxay habeen
anigoo doonaya kuwaasi majliskoodii, waan u imid oo aan qofna ka waayey.
Waxaan is idhi: Haddii aad u tagto hebel oo khamriga ku iibin jiray Maka,
waaba intaasi ood ka heshaa khamri aad cabto eh. Waan u imid oo aan ka
waayey. Markaasi ayaan is idhi: Haddii aad tagto Kacbada ood ku wareegto
toddoba ama toddobaatan, waanan imid anigoo doonaya inaan ku dawaafo
Kacbada. Mise waaba Rasuulkii oo taagan kuna tukanaya, markuu tukanayana
wuxuu u jeedsan jiray Shaam, masalihiisuna wuxuu yiil labada rukun
dhexdooda, rukunka dhagax madow iyo rukunka Yamaaniga. Waxaan is idhi
markaan arkay: Haddii aad Muxammed dhagaysato caawa si aan u maqlo wuxuu
leeyahay. Waan socday ilaa aan soo kala dhex galay Kacbada iyo
sitaaradeedii, tiiyoo Rasuulkuna SCW u taagan yahay Quraana uu akhriyayo.
Wuxuu yidhi: Markaan maqlay Quraankii ayuu qalbigaygii ku duxay oon ooyay,
oo uu I geliyay Islaamkii. Waxaanan sidii u taagnaa halkaygii, ilaa uu
dhammeeyay Rasuulku SCW salaaddiisii dabadeedna iska tegay. Markaasi ayaan
daba galay ilaa markuu marayo gurigii Cabbaas iyo kii Ibnu Azhar dhexdooda
aan ku gaadhay. Markuu Rasuulku SCW maqlay shanqadhaydii ayuu I gartay,
una maleeyay inaan u soo daba galay si aan u dhibaateeyo waanu ii hanjabay.
Dabadeedna yidhi: Ina Khadaabow maxaa ku keenay saacadani? Waxaan idhi:
Inaan rumeeyo Ilaahay iyo Rasuulkiisa iyo waxa ka yimid Alle agtiisa.
Wuxuu yidhi: Markaasu Ilaahay ku xamdiyay, oo uu yidhi: Wuu ku hanuuniyay
Ilaahay Cumarow, laabtaydiina wuu masaxay, iina baryay sugnaansho.
Markaasi ayaan ka tegay Rasuulkii SCW, oo uu galay gurigiisii.
Cabdillaahi Bin Cumar waxa laga soo wariyey in uu yidhi: Markii uu
aabbahay Cumar islaamay, wuxuu yidhi: Quraysh kumaa warka ugu gudbin og?
Waxa lagu yidhi: Jamiil Bin Macmar. Markaasu ku kalahay. Wuxuu ina Cumar
yidhi: Waxaan soo raacay raadkiisii, bal inaan eego wuxuu sameeyo, anna
waxaan ahay wiil garannaya waxkasta oon arko, ilaa uu u yimid. Markaasu ku
yidhi: Ma ogtahay Jamiiloow inaan islaamay oon galay diintii Muxammed?
Wixii yidhi: Ilaahay baan ku dhaartee muu suginba ilaa uu kacay isagoo
jiiddaya go’iisii Cumarna wuu raacay, anna aabbahay baan raacay, waanu
soconay markuu istaagay albaabkii Masjidka (Kacbada) ayuu ku dhuftay
qayladii u dheerayd: Quraysheey, iyaga oo jooga majlisyadoodii Kacbada
hareeraheeda, Cumar Bin Khadaab wuu ka baxay diintii! Cumar ayaa dabadiisa
ka yidhi: Been ayuu sheegay, laakiin waan islaamay, qirayna in Ilaahay
mooyee aanu Ilaah kale jirin, Muxammedna yahay addoonkiisii iyo
Rasuulkiisii. Intay ku soo boodeen ayaanu ka tegin siduu u la dagaalamayey
ee ay ula dagaalamayeen ilaa qorraxdii ku timid korkooda. Wuxuu yidhi:
Intuu daalay oo uu fadhiistay ayey is kor taageen isagoo leh: Sameeya
waxaad rabtaan, Ilaahay waxaan ugu dhaartay haddii aanu nahay saddex boqol
oo nin waanu idiinka tegi lahayn ama waad nooga tegi lahaydeen. Wuxuu
yidhi: Iyagoo sidaas ah ayuu ku soo baxay oday Quraysh ka mid ahi ilaa uu
isla soo taagay. Wuxuuna yidhi: Waa maxay arrinkiinu? Waxay yidhaahdeen:
Cumar baa diintii ka baxay. Wuxuu yidhi: Waa yeelkii, waa nin u doortay
naftiisa arrin ee maxaa ka doonaysaan? Ma idinla tahay reer Bani Cadi in
ay idinku daynayaan ninkooda sidaasi? Ka taga ninka. Wuxuu yidhi: Ilaahay
baan ku dhaartee sidii ooy ahaayeen go’ laga fayday oo kale. Waxaan
aabbahay ku idhi markuu Madiina u haajiray: Aabooy, kumuu ahaa ninkii
kaaga qayliyay Maka qoladii maalintii aad Islaamtay, iyagoo kula diriraya,
Ilaahay haka abaal mariyee? Wuxuu yidhi: Aabo, kaasu wuxuu ahaa Caas Bin
Waa’il, Ilaahay khayr kama abaal mariyee.
Cumar Bin Khadaab wuxuu ahaa nin adag oon la hawaysan karin,
islaamidiisiina waxay ka dhex oogtay mushrikiintii dulli iyo gunnimo,
Muslimiintana wuxuu huwiyay Cizi, sharaf iyo farxad.
Mujahid wuxuu ka soo wariyey Ibnu Cabbaas inuu yidhi: Waxaan weydiiyay
Cumar, maxaa laguugu bixiyay Faaruuq (Xaq iyo baaddil kala saare) wuxuu
yidhi: Xamze ayaa islaamay hortay saddex cisho, markaasu ka sheekeeyay
Cumar islaamidiisiii , markii u dambaysay ayuu yidhi: Markii aan islaamay
ayaan Rasuulka SCW ku idhi: Rasuul Allow, miyaynaan xaq ku sugnayn
haddaynu dhimano iyo haddaynu noolaanaba? Wuxuu yidhi:” Haa, ka ay
naftaydu gacantiisa ku jirto ayaan ku dhaartee, inaad xaq ku sugan tihiin,
haddii dhimataan iyo haddii noolaataanba”. Wuxuu yidhi: Waxaan ku idhi:
Haddaa is qarrintu maxay tahay? Ilaaha xaqa kugu soo diray ayaan ku
dhaartee waynu baxaynaa, markaasi ayaanu u soo baxnay laba saf, mid Xamze
hor socdo ka kalena anigu, oo shanqadha la moodo makiinada wax ridiqda oo
kale ilaa aanu galnay Masjidka. Wuxuu yidhi: Markaasay Qurayshi isoo
eegtay ooy Xamzena eegeen, markaasa waxa ku habsaday werwer iyo murugo aan
ku habsanini weligood. Markaasu Rasuulku SCW maalintaasi ii bixiyay (Faaruuq).
Suhayb Bin Sanaan Al Ruumi wuxuu yidhi: Markuu Cumar Islaamay ayuu ka soo
baxay islaamku daahii, oo loogu baaqay si cad, oonu fadhiisanay hareeraha
Kacbada, oonu ku dawaafnay, oonu iska celinay cidii nagu gefta, kuna
celinay wixii naga soo gaadhay badh. Qurayshi
markay aragtay in arrinkii Muslimiintu uu sii kordhayo, qaabkii hore ee ay
kula diriraysayna u shaqayn waayey, kana horjoogsan kari waayeen
fiditaankii Islaamka. Waxay ogaatay in dhibkan ay ku hayso Nebiga SCW iyo
asxaabtiisu isu rogi karo dagaal sokeeye oo ka dhex qarxa dhexdooda,
dagaalkaasi oo aan la garn karin intuu leekaan doono iyo cida ku guulaysan
doonta. Waayo qabiil kasta iyo qoyswalba cidbaa ka gashay Islaamka,
markaasi ayey dib ugu noqotay arrinkeedii si ay u dejiso qorshe iyo
tallaabo hor leh oo ka sii daran tii hore. Top
Buundo isku
xidhaysa Yemen iyo Qaaradda Afrika oo
la Qorshaynayo in Laga Dhiso Baab Al-Mandab |
Sanca, February 22, 2007 (W. Wararka) –
Dawladda Yemen ayaa wada qorshe lagu dhisayo Buundo isku xidha Yemen iyo
Qaarada Afrika, taas oo la doonayo in ay isku xidho Baab Al-Mandab ilaa
Djibouti.
Mashruucan oo ah mid ay hadda uu wada hadalkeedu u socdo dawladda Yemen
iyo shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa la sheegay inuu
ku kici doono qiyaas laga gaadhaysa $1,000,000,000 (hal Bilyan oo dollarka
Maraykanka ah), waxaanu noqon doonaa mashruucii ugu weynaa ee noociisa ah
ee lagu doonayo in la isku xidho qaaradaha Afrika iyo Aasiya.
Buundada la damacsan yahay in la dhiso ayaa dhererkeedu noqon doonta 14km,
waxayna ka bilaaban doontaa magaalada Baab al-Mandab illaa iyo dalka
Djibouti.
Shirkadda damacsan in ay dhisto Buundadan ayaa lagu magacaabaa Middle East
Development company oo xarunteedu tahay magaalada Dubai.
Buundadan ah 14km ayaa laga dul dhisi doonaa Jid ay gaadiidku maraan iyo
Tareen ka dhex shaqeeya Yemen iyo Djibouti.
Mashruucan ayaa ah mid hadda la hadal hayo balse aan la aqoon goorta la
hirgelin doono, waxaana si weyn u wata in la dhiso dalka Yemen, iyadoo
dalka Djibouti-na si weyn u soo dhaweeyey, iyadoo ay arrintani sare u soo
qaadi karto dhinaca ganacsiga labada qaaradood ee Eeshiya iyo Afrika. Top
Baaq Nabadeed
Oo Ay Soo Saareen Saddex Urur Oo Wadani Ahi |
Hargeysa, February 22, 2007 (Haatuf) – Baaq
nabadeed oo saareen saddex urur oo ka mid ah 4-ta urur ee la isku
yidhaahdo 4 Alliance ayaa baaq nabadeed oo ay ku began maalinta dhagax
tuurka Somaliland 20/02/2007 kulan ayku yeesheen xarunta ururka SOYADO oo
ka mid ah saddexdaa urur waxa ay ka soo saareen baaq nabadeed oo ay u
dirayaan beelaha colaadu ku dhexmarayso deegaamada Daroor ee Ismaamulka
Soomaalida Itoobiya.
Sidaana waxa ay ururadani oo magacyadoodu kala yihiin SOYADO, SOPVA iyo
SOCEV iyo Gudoomiyayaashoodu kala yihiin Saleebaan C/Saatir Dubad,
Maxamuud Axmed Maxamed iyo Xasan Xuseen C/laahi waxa ay saddexdan urur
tacsi u direen eheladii iyo qaraabadii waxyeeladu ka soo gaadhay colaada
halkaasi ka oogan, waxaanay ugu baaqeen labada beelood ee halkaasi ku
dagaalamaya inay aqbalaan ergooyinka kala duwan ee nabada.
Waxa kale oo ay ururadan ka digeen in dadka ku dhaqan Somaliland ay ka
qayb qaataan colaadaasi oo ay gacan ka geystaan sii hurinta colaadaasi,
waxaanay ugu baaqeen in laga wada qayb qaato sidii colaadaasi loo damin
lahaa. Top
DALJIRE: Aniga
Iyo Ugbaad |
By A. Geeljire
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan
kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku
sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba
saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana
loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay
diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay
daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay
diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo
duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay
doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay
qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Dubbe: Waar heedhe, dunida loo dudayo ma maantuu Ina Dhoolla yare ku
sheegay Axmed Siilaanyo "nin aan waa u beryin." waar maxaynu wax walba u
soo joognay. Ta kale waxan ummaddii dulleeyey ee ay Madaxtooyada uun la
tuban yihiin ee xataa qabaa'ilkii aanay ergo isu diri karayn illaa ay soo
baryaan Ina Rayaale waa maxay? Dadkii mee? Aar malaa inteenan mafrishka
fadhida ayuumbaa ka joogta dadkii ee waynaan is ogeyn. ahaaa! Quduro.
Doolaal: Waar haddaba ninyow waxaan siyaasad ahayn miyaanad ka hadli aqoon?
mar uun bal wax kale ka hadal.
Dubbe: Oo adeer haddaanaan siyaasad ka hadal ma Gudniinka Fircooniga ah
ayaanu ka hadalnaa? Waa ku sidee sawnagan ragga waaweyn ee siyaasiingta ah
maaha. Nolosha oo dhanbaaba siyaasad ah. bal waxaan siyaasad ahayn ii
sheeg.
Doolaal: Fircoonigaa aad sheegaysaba ka hadal. miyaanu ahayn arrin muhiim
ah oo inna khuseysa.
Dubbe: Waar bal iska aamu ninyow. maxaad ku hadlaysaa?
Doolaal: Wallaahi waa runtay. waa in arrintaa laga hadlaa...
Dubbe: Waar bal nin gabadh naga qaba ayaa fadhiya meeshee aamus ninyow.
halkaana qolo kale oo isu soddog ah baa isku dhow eh. Ma iminkaynu waxa
tala adduun hawl inoo taal hablaha ka sheekaynaa?
Doolaal: Oo saw habluhu ummadda badhkeed kama badna? Ma dan aanay ku jirin
baa hirgelaysa?
Dubbe: Waar haddaa dan ka leedihiin wax kalaa u qaban lahaydeene waa kuwan
meel walba ku dayacane. Danta ma meel kaloo aan halkaa ahayn oo ka
bilowdaan baa garan weydeen? Bal waa yahaye dib inoogu dhig arrintaa
inagoo isku gooniya iyo wax aan taataabanne. Mise si kale oo aad iiga
aargoosato ayaad garan weyday? Waar ma Cigaal shiidaadbaa?
Doolaal: Oo maxaan Cigaal ku ahay?
Dubbe: Waxa la yidhi Cigaal baa habeenkii markuu kaadi tegayo islaanta sii
raaci jiray. Dumarku way inaga abuur duwan yihiin oo degdeg bay u kacdaa
isaga oon dhamaysan markaasuu ka soo daba cararaa ilayn waa Cigaal eh.
habeenkii dambe ayuu islaantii oo aan weli fadhiisan intuu ku qayliyay
yidhi "soo kac dee. Maxaad qabanaysaa ee aad la hawaartaa?" markaasay
yaabtay. waxay tidhi oo caawa degdeg badnaydee Cigaal siday wax yihiin? "
Dee dhiil baan ku soo qaaday oo waan saydhiyay uun. Imisaad saydhinaysay
anigoon dhammaysan?" ayuu ugu jawaabay. Iminka imisaad arrin aanaan
doonayn wadnaha nagu caddaysay baad i leedahay miyaa? Waxaa iska daayoo "warqaddan
dheer" ee uu Ina Dhoolla Yare yidhi Faysal Cali Waraabe ayaa ii dhiibay
anagoo wada qadaynayna shalay maxay ahayd, ma arji baa mise waa na
bacaynaysaan?
Doolaal: Dee saw sidii Sanyare Qorshaynta loogu dhiibayba saaxiib maanaan
noqon Faysal.
Dubbe: Ma shuqulkiinii xumaa ee basaasidda ayaad is leedahay aniga ku day.
Waar mucaaradka kala qaybin kari maysaan ee sheeko kale keen oo waraaqda
nooga jawaab. Guddoomiyahana dacaayadda ka daa.
Doolaal: Waar anigu waraaqda war uma hayo laakiin sawkan maalin walba Ina
Rayaale la jooga muxuu Ina Ducaale sheegayaa kii weynaa baabu la fadhiyaa.
Dubbe: Oo haddu la fadhiyo ma waxbaa ka soo kordha meeshu waa iska nooc
min gidaarka Calaacalka ee afka Ingiriiska lagu yidhaahdo Wailing Wall. (gidaarkaasi
halkuu ku yaal ha I weydiin)
Doolaal: Waar meeshu waa meesha qaranka isu haysa sida xabagta e; waakan
ninkii xididka ahaa kacay e arrintii aan gallo haddaba.
Dubbe:'Aar haddaba Ilaahaaga ka yaab ninyow oo arrintaa u kaadi. Maxaad
isla carruuraynaysa? Anaa maanta sheeko kuu haya. Weliba mid aan siyaasad
ahayn.
Doolaal: Waa maxay? weligaaba mid khayr leh lagaama dhegeysane.
Dubbe: Waar carruurtan iminka joogta waa Aakhir Saman. waxa la yidhi "carruur
ma aha ee waa dad gaagaaban."
Doolaal: Maxaad aragtay?
Dubbe: Saw tu yar oo qoladan jaarka carruurtooda u yar oo Ugbaad la
yidhaahdo oo malaha haddaan dembiga iska dhawro aan laba jir u buuxsamini
anigoo TVga daawanaya iimay soo gelin. Ina Rayaale ayaa sawirkii soo galay
markaasay tidhi:
Ugbaad: Abtiyo anidu taa ma secli (jecli)
Aniga: Oo miyaad taqaan abti ninkaa?
Ugbaad: Dee waa Rayaale. Waa Madaxweyne
Aniga: Oo maxaad ku nacday abti?
Ugbaad: Aabahay buu sacadii (shaqadii) u diiday. dadtoo dan ayuu sacadii u
diiday.
Aniga: Oo markuu Aamina weris u diiday miyaad maqashay?
Ugbaad: Ma daranayo.
Aniga: Haddaa Amina-Sahra iyo Cambaro oo markabkii Dekadda uu u diiday ka
xanaaqsan ma aragtay?
Ugbaad: Ma daranayo.
Aniga: Dee abti “ma Daranayo” ayuumbaad leeday ee haddii aanad dadka aanad
kala barnayn siyaasadda iskaga bax.
Ugbaad: Haye
Aniga: kkkkk. Haye dhegeyso. Carruuray carruur. Oo abti muxuu qabtaa? waa
maxay shaqadiisu isaga?
Ugbaad: Dadtuu xidhaa
Aniga:Oo abti ma askari baa ninku siduu dadka u xidhaa?
Ugbaad: maya
Aniga: Hee haddaa Abti?
Ugbaad: Astartuu (askarta) dhalay.
Aniga: Yaa innoo keenay ninka abti?
Ugbaad: ma daranayo. Isadaa ista yimi
Aniga: Oo abti adiga miyuu marna ku xidhay?
Ugbaad: Mayee waa ta duuntaa anidu (Dhuuntaa). Martaan arto ayaan saliilta
(sariirta) hoosta ta dalaa.
Aniga:Abti waxaasi waa fulaynimo eh. Distoorkaa dhigaya inaan lagu xidhi
Karin. … Bi’I waa… ma distoor bay ii garanaysaa?
Ugbaad:Dee sawtii Haatuf xidhay ee nimanyaal badan badan badan xidhay.
Aniga: kkkk oo Haatuf miyaad taqaan abti? Ilayn adigaaba suxufiyad ah.
Ugbaad:Aabahaybaa axrista (akhrista)
Aniga: Markaa ma waraaqdii buu xidhay?
Ugbaad: Dee mayee nintii lahaa ee wax tu coray (qoray)
Aniga: Maxay kale ayaad ku nacday abti ninkaa?
Ugbaad: Dee lacatii (lacagtii) ayuu ida caatay (qaatay)
Aniga: Lacagtee abti? adigu ma lacag baad haysatay?
Ugbaad: Dee hooyuu ta caaday (qaaday)
Aniga: oo muxuu siistay lacagtii abti?
Ugbaad: Nacnac iyo saraab (Sharaab) fiinto
Aniga: (wallaahi carruurtina ogaatay) Oo abti imisay ahayd lacagtu?
Ugbaad: shan Bocol (500)
Aniga: Iska daa abti waatuu aqalka ka dhistay eh waxba ma ogide.
Ugbaad: Aqaltii muu caadan dee. sawnadan joodna.(joogna)
Aniga: Markaa maxaad samaynaysaa abti? Sideed lacagtaadii uga soo
qaadanaysaa ninkaa?
Ugbaad: Dee martaan weynaado ayaan ta caadanayaa. martaasan xidhayaa
isadana.
Aniga: Oo abti haddaad iska saamaxdo maxaa dhacaya? Mida kale inamo ayuu
leeyahay ee billoo ku dile inamadiisu?
Ugbaad: Anidaa ta adage. Dee isadu muxuu lacatayada u caadanayaa? haddaa
ma baalamaanta (baarlamaanka) ayaan u seedaa (sheegaa)?
Aniga: waar bal calaamadan kaalaya.Tolow kii Doolaal ahaa mee maanta? oo
yartuba malaa xisbiyaday ku jirtaa. Oo abti miyaad taqaan Baarlamaanka?
Ugbaad:Awoowo Axmed baa tu sira.(ku jira)
Aniga: Waata hooyo kuu yeedhaysa ee orod abti. waynow. fariid.
Waa innoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo
A. Geeljire Top
Xisbiga KULMIYE Oo Magacaabay Guddi Ergo Ah Oo
Ka Qayb-qaadata Nabadeynta Colaadda Daroor |
Hargeysa, February 22, 2007 (Haatuf) –
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo)
ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban afar xubnood oo xisbiga KULMIYE uga
qayb-galaysa ergada colaada Daroor. War-saxaafadeed
uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siillaanyo ayaa lagu
sheegay in guddidan loogu talo-galay inay ka qayb-qaadato hawlaha
nabadaynta ee lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo labada beelood ee
colaadu soo kala dhexgashay ee wada dega degaanka Daroor ee kililka 5aad
ee Itoobiya.
War-saxaafadeedkaas waxa uu u qornaa isagoo dhammaystiran sidan:
“UJEEDDO: ERGADDA KULMIYE EE COLAADA DAROOR
Waxa aan bogaadin u soo jeedinayaa Dadweynaha Reer Somaliland, qaybahooda
kala duwan ee Bulshadda iyo Dawladda Ethiopia oo ku dedaalaya sidii ay
Nabad-galyo ugu soo dabaali lahaayeen shaqaaqada Daroor ku dhex martay
Beelaha Walaalaha ah ee halkaas wada dega.
Sidaasi darteed, Xisbiga Kulmiye ahaan waxaan u magacawnay Ergadda hoos ku
qoran inay ka qayb-qaadato hawlaha Nabadaynta ee laga dhex wado Beelaha
walaalaha ah ee ku diriray Daroor, waxaanay kala yihiin xubnahaasi:
1. Muuse Biixi Cabdi – Guddoomiyaha Ergadda
2. Cabdi Haybe Mohamed – Xubin
3. Cali Mohamed C/laahi – Xubin
4. Yuusuf Nuur Mohamed (Guruuje) – Xubin” Top
Warbaahinta
Ingiriiska oo Dhacdadii 11 September ku
xidhiidhisay Madaxweyne Bush |
Qaybtii 2-aad
Wargeyska Daily Mail oo ka mid ah Wargeysyada ugu caansan dalka
Boqortooyadda Ingiriiska ka soo baxa ayaa bishan February 10-keedii
daabacay maqaal la yidhaahdo “An Explosion of disbelief – fresh doubts
over 9/11” oo la macno ah “Sawaxanka u qaadan waaga ah ee ka dhashay shaki
cusub oo ku saabsan dhacdadii 9/11”, kaasi oo uu wax kaga iftiiminayo
shaki ka yimid cida loo aanaynayo burburkii 11-kii September 2001 oo marka
la soo gaabiyo loo yaqaano 9/11.
Haddaba, intiinii akhrisatay maqaakii arrintan ku saabsanaa ee aanu idiin
soo gudbinay, waxa ugu dambeeyey filim laga sameeyey 9/11, oo si habaysan
loogu lafo-gurayo sidii ay dhacdada 9/11 u dhacday, iyada oo la
barbardhigayo sidii ay dawladda Maraykanku uga warantay cidii masuulka ka
ahayd 9/11, isla markaana filimkani uu dadweynaha Maraykanka iyo Caalmkaba
geliyey shaki hor leh oo ka soo horjeeda siday xukuumadda Bush uga
warantay. Filimkan oo magaciisa la yidhaahdo “Loose Change” iyada oo
magaca filimka macnihiisu noqonayo “Qadaadiic ayaa la iskugu keen dhuftay”.
Macluumaadkan oo lagu baahiyey Wargeyska Daily Mail, qaybtiisii labaadna
waxa uu Wargeysku u qoray sidan:-
Professor David Ray Griffin buug uu qoray sannadkii hore oo uu ku
magacaabay Pearl Habour-tii cusbayd “The New Pearl Harbour” waxa uu ku
macneeyey dhacdadii 9/11 inay la mid tahay duulaankii Japan ee Pearl
Harbour.
Pearl Harbour waxay ahayd saldhigii ugu weynaa ciidanka badda ee
Maraykanka ee ay ciidamada Japan burburiyeen iyaga oo xagga badda kaga soo
duulay, Pearl Harbour oo ku taal Jasiirada Hawaii ee badweynta Pacific
ocean. Taasi oo sababtay sannadkii 1941 inuu Maraykanku dagaalkii labaad
ee adduunka uu galo.
Waxa jirtay in Maraykanku ka war hayey duulimaadka Japan, ka hor intii
aanay burburin Pearl Harbour, laakiinse Madaxweyne Roosevelt talaabo kamuu
qaadin, isaga oo marmarsiiyo uu dagaalkii labaad ee aduunka ku galo
doonaya ayuu uga baaqsaday inuu ka hortago duulimaadka Japan ee Pearl
Harbour ku burburiyeen maraakiib aad u fara badan oo ay lahaayeen
ciidamada Badda ee Maraykanku.
Prof. Griffin oo hadda hawlgab ah, balse macalin sharafeed ka ah The
Claremont School of Theology ee ku yaala gobolka California, isla markaana
ah Profesor aad looga dambeeyo, wuxuu halka filimka “Loose Change”
Internet-ka heer uu ka gaadhay ayaa isna buugiisu kaalinta koowaad ee ka
galay dunida “bestseller” oo ah ugu iibka badan ama akhriska badan.
Isku darka buugga iyo filimku waxay soo banaanka soo dhigeen mad-madaw
baaxadiisu weyntahay oo laga shaki qabo cidii masuulka ka ahayd 9/11,
waxaanay labaduba badka soo dhigeen su’aasha odhanaysa “Ma laga yaabaa
weerarkii 9/11 inuu ahaa mid u dhigma ama lagaga dayday hawlgalkii
“Operation Northwoods” oo ahaa xilligii Madaxweynihii hore ee Maraykanka
John F. Kennedy hawlgalo ay xukuumadiisu curisay in lagu fuliyo dadweynaha
Maraykanka fal argagixiso oo lagu laynayo dad aad u fara badan oo rayid
ah, si markaa loogu eedeeyo Fidel Castro oo markaa kacdoon shuuci ah ku
qabsaday jasiiradii Cuba, si marmarsiiyo loogu helo dagaal lagu qaado.
Haddii si kale loo dhigo, ayaantii Sept 11-keedii 2001, ma laga yaabaa
inay xukuumadda Maraykanku marmarsiiyo uga dhigatay inay ku duusho,
dagaalna ku qaado Al-Qaacida oo Afghanistan joogtay iyo dalka Ciraaq?
Su’aashan iyo qaar kale oo ka gun dheerba ayaa beryahan dambe si xawli leh
loogaga doodayaa labada qaaradood ee Yurub iyo Maraykanka.
Buugga iyo filimkuba waxay farta ku godayaan su’aalo u dhacaya sidan. Ma
laga yaabaa burburkii dhulka ku simay Daarihii New York “Twin Towers” inay
ahayd aalado qarxa oo si farsamaysan loogu rakibay daarahaasi?
La soco…………… Top
Dhisme Ku
Burburay Magaalada Istanbul Oo Dad Ku Dhinteen |
Istanbul, February 22, 2007 (W. Wararka) –
Duqa magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga oo magaciisa la yidhaahdo
Muammer Guler ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan hal qof ku dhintay 26 kalena
ay ku dhaawacmeen kadib markii uu soo dumey dhisme ku yaal magaaladaas.
Dadka dhaawaca ah ee ay xaaladdoodu liidato ayaa waxaa ka mid ah gabadh
yar oo toddoba jir ah taas oo haatan lagu daweynayo cusbataalka magaalada
Isbanbul.
Duqa magaalada Istanbul ayaa sidoo kale sheegay in dhawr qof oo kale ay
burburka ku hoos jiraan kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay xaaladdoodu ku
sugan tahay.
Kooxo gargaarka degdegga ah oo wata Ey ayaa gaadhay goobta dhismahaasi ku
burburay si ay u baadi goobaan dadka la la'yahay ee ku hoos jira burburka.
Ilaa hadda lama garanayo sababta keentay burburka dhismahaas, iyadoo
baadhitaanka sababta keentay inuu isku dumo dhismahaasi ay wadaan
hay’adaha dawladda ee u xilsaaran arrimahaas. Top
Dawladda Iran
Oo Mar Kale Diiday Joojinta Barnaamijkeeda Nukliyeerka |
Tehran, February 22, 2007 (W. Wararka) –
Dawladda Iran ayaa gaashaanka ku dhufatay joojinta barnaamijkeeda
Nukliyeerka, kadib markii la gaadhay maalintii kama dambaysta ahayd ee loo
qabtay in ay Iran ku joojiso kobcinta macdanta Yuraaniyamteeda, kaas oo oo
ku ekaa shalay Arbacadii.
Ninka wada xaajoodka barnaamijka Nukliyeerka ugu jira dalka Iran, Cali
Laarijaani, oo ka hadlayey magaalada Vienna ayaa sheegay in xaaladda lagu
dhammayn karo wada hadal, Iran-na lagula dhaqmayo luqad handadaad ah.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in uu maalinta soo
saaro warbixin uu ku sheegayo in dawladda Iran ay ku guul darraysatay
aqbalaadda codsiyadii beesha caalamka, sidoo kalena ay iska dhega marisay
muddo lixdan maalmood ah oo oo loo qabtay inay barnaamijkaas ku joojiso.
Sidoo kale maalintii shalay madaxweynaha dalka Iran, Maxamuud Axmedinejad,
ayaa sheegay in ay tahay in dalalka doonaya in Iran ay joojiso nukliyeerka
ay iyagu marka hore joojiyaan isticmaalka quwadda korontada iyo tan
rayidka ah ee ay nukliyeerka u isticmaalaan. Top
Golaha
Ammaanka Ee Qaramada |
Midoobay Oo Ansixiyey Ciidamada Midowga
Afrika U Qoondeeyay In La Geeyo Somalia
New York, February 22, 2007 (W. Wararka) - Fadhi ay shalay xubnaha Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen arrimaha Soomaaliya ayaa waxay
si buuxda isugu raaceen in Midowga Afrika uu qaado wax kasta oo suurtagal
ah oo ku aadan hawlgalka Nabad ilaalinta ee dalka Soomaaliya.
Goluhu wuxuu go’aamiyay inay 8,000 oo askari oo Afrikaan ahi galaan dalka
Soomaaliya si ay u soo celiyaan xasiloonida isla markaana ay gacan ka
geystaan hawgelinta hay’adaha dastuuriga ee dawladda Mbagathi ee
Cabdillaahi Yuusuf madaxda ka yahay, isagoo isla markaana u fasaxay
Midowga Afrika inuu muddo lix bilood ah ka hawlgalo dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa weydiistay xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon inuu baadhitaan ku soo sameeyo habka
ay Qaramada Midoobay ugu lug yeelan karto hawlgalka Nabad ilaalinta ee
dalka Soomaaliya.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu dhinaca kale cambaareyn u soo
jeediyay weerarada ka dhacaya gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada
Muqdisho.
Midowga Afrika ayaa hore iskugu raacay in 8,000 oo askari ay fuliyaan
hawlgalka nabad ilaalinta dalka Soomaaliya, hase yeeshee ilaa iyo hadda
waxaa la hayaa ilaa 4000 oo askari oo diyaar u ah inay ka qayb-qaataan
hawl-galka nabad ilaalinta Soomaaliya.
Dawladaha Uganda, Nigeria, Malawi, Burundi iyo Ghana ayaa laga codsaday
inay Soomaaliya ugu yaboohaan ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaas oo qaarkood
sheegeen inay ka fiirsanayaan codsigaas loo soo jeediyay.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciidamada Nigeriya oo magaciisa la yidhaahdo Col.
Ayo Olaniyan ayaa shaaca ka qaaday tirada Ciidamada ay geyn doonaan dalka
Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay hada tababaro u socdaan, isla
markaana diyaar u yihiin in loo diro dalka Soomaaliya.
“Go'aanka ah in aanu ciidamo u dirno dalka Soomaaliya, wuxuu qayb ka yahay
siyaasada Nirgeriya ee Dibadda ee ku aadan in Qaarada Afrika laga dhigo
goob nabad ah” ayuu yidhi Col. Ayo Olaniyan oo sheegay in dalkiisa ka
go'an tahay taageerida qorshaha Midowga Afrika ee lagu xasilinayo dalka
Soomaaliya.
Dawladda Ugandha ayaa iyadu hore u diyaarisay 1500 oo askari iyadoo
ciidamadan ay ka mid noqon doonaan 9 Batalyan oo ciidamo ah oo la keenayo
dalka Soomaaliya.
Ciidamada Nigeriya ayaa la hadal hayaa in ay dalka Soomaaliya yimaadaan
bisha April.
Ciidamada loo qoondeeyey in ay tagaan Soomaaliya ayaa laga soo dhex xulay
231 Batalyan oo ciidamada Nayjeeriya ah ee ku sugan Waqooyiga dalkaas sida
uu sheegay Col. Ayo Olaniyan.
Ciidamo Muslim ah
Ciidamadan ayaa laga keenayaa xarunta waqooyi ee la yidhaahdo Biu, ee
Ismaamul goboleedka Borno State, oo ah gobol ay degen yihiin Muslimiinta
Nigeria oo ku yaal waqooyiga dalkaasi.
Ciidamadan ayaa ka qayb noqon doona ciidamada AMISOM (African Mission in
Somalia) oo ah magaca loo bixiyey askarta nabad illaalinta Midowga Afrika.
Ciidamadan Nayjeeriya ayaa sida uu sheegay Taliyahaasi hada ku xareysan
xerada lagu tababaro ee Jaji, oo ku taal Waqooyiga maamul goboleedka
Kaduna State. Top
|