Meeshu Waa Mandheera, Garsooruhuna Waxa Uu Xukunka
Ku Qaadayaa Xeerkii Ciqaabta Somalia
Dacwada Suxufiyiinta Haatuf Oo Maanta Lagu
Dhegaysanayo Xabsiga Mandheera
Mooshin Ku Saabsan Aqoonsiga
Somaliland Oo Bishan La Soo Hordhigayo Baarlamaanka Kenya
Ururka HAWO GROUP Oo Ololaha
Wacyi-Gelinta HIV-AIDS
Ka Sameeyey Degaanada Galbeedka Hargeysa
Dawlada Hoose ee Boorama oo Bilawday
Dhismaha Jid 10 Km ah
iyo Nadiifinta Magalaada
Ha Karaama Seegina
Ganacsatada Hillibleyaasha Hargeysa Oo
Mar Ka
Dhawaajiyay Cabashadooda Korodhka Khidmadda Kawaanka Xoolaha
Nin Ay Walaalo Ahaayeen Xasan Dahir
Aweys Iyo Mid Kale Oo Seediyo Ahaayeen Ra’iisal-Wasaare Geedi
Oo Lagu Khaarajiyay Muqdisho
Itoobiya Oo La Wareegtay
Dhexdhexaadinta Labada Beelood
Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Degaanka Daroor
Warbaahinta Ingiriiska Oo Dhacdadii 11
September
Ku Xidhiidhisay Madaxweyne Bush
Nin reer Pakistan Ah Oo $165 Khamaar
Lagaga Helay U Bixiyay Gabadh Uu Dhalay
Maraykanka, Iran Iyo Syria Oo Ka
Qayb-Gelaya Shir
Lagaga Arrinsanayo Xaaladda Ciraaq
Madaxweyne Ku-Xigeenka Maraykanka Oo
Ka Badbaaday Weerar Bambaano Oo Lala Beegsaday
Baaqa Nabadaynta Colaadda Darroor
|
|
Meeshu Waa
Mandheera, Garsooruhuna Waxa Uu
Xukunka Ku Qaadayaa Xeerkii Ciqaabta Somalia |
Waxay ahayd 02/01/2007, markii goor galab ah
ay ciidanka bileyska oo hubaysani weerar ku soo qaadeen xarunta xafiisyada
Haatuf Media Network ee magaalada Hargeysa.
Markiiba ciidankii waxay bilaabeen inay gudaha u soo galaan xafiisyadii
qolalka wararka, halkaasi oo ay khasaare ugu geysteen qalab kala duwan,
weriyayaalna garaaceen, halka ay Gudoomiyihii Haatuf Media Network Yuusuf
Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihii Wargeyska Soomaaliga ah ee Haatuf-na Cali
Cabdi Diini labadaba u kaxaysteen xaggaa iyo xarunta CID-da ee magaalada
Hargeysa.
Labadii suxufi midkoodna lama soo celin, labadoodiiba waxa lagu xidhay qol
yar oo dhinaca koonfureed u jeeda, isla markaana aan daaqado lahayn,
albaab bir ah oo weyn leh, dhexdiisana aanay waxba oolin, albaabkaa loo
jiiday, dadku waxay islahaayeen, caawa ayuun bay xidhnaanayaan, waana la
iska soo daynayaa, balse taasi ma dhicin, waxaana ay qaadatay inay
halkaasi ku jiraan ilaa 04/02/2007.
Muddadaasi bisha iyo labada maalmood ah waxay suxufiyiintani u dhaxeeyeen,
maxkamadaha hoose ee magaalada Hargeysa, gebi ahaantoodba, waxaana lagu
murmayey waa in xeerka saxaafadda Somaliland loo raaco dacwada loo haysto
labada suxufi iyo waa in loo raaco xeerka Ciqaabta guud. Waxa intaasi
dheerayd in ka badan 8 maalmood, labada suxufi wax eed ah looma haynin,
waxaase marba maxkamadda laga soo qaadanayey wax loogu yeedhay “Xalaalayn”,
oo macnaheedu yahay in ay la hayayaal ku noqdaan xarunta CID-da.
14/01/2007, waxa waqti ay saacadu ku dhawdahay 9:30 habeenimo gurigiisa
loogu dhacay, lagana soo qabtay Weriye Maxamed Cumar Sheekh, oo isaguna
Haatuf uga soo warami jiray gobolka Awdal, waxaana lagu xidhay saldhiga
dhexe ee Boorame, halkaasi oo uu ku jiray muddo saddex maalmood ah oo aan
loo ogolayn inay arkaan ehelada iyo asaxaabtiisa midkoodna.
Waxa xigtay 17/01/2007, ayaa waxa weriye Maxamed Cumar loo soo
dhaadhiciyey dhinaca magaalada Hargeysa, waxaana lagu xidhay qol yar oo
kaabado dhaadheer leh, isla markaana ay dhaxantu wehel la tahay oo ku
yaala Saldhiga Degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa. Halkaasi
oo uu ku xidhnaa ilaa 04/02/2007, maalintaasi oo inta gelinkii dambe laga
soo saaray abaaro saddex galabnimo suxufiyiintii kale ee Gaboobe iyo Diini
loogu keenay xarunta CID-da, maalintaasi oo loo balansanaa in maxkamadda
gobolka Hargeysi dhegeysato dacwada loo haysto suxufiyiinta Haatuf, balse
iyada oo aan waxba loo sheegin ayaa markeli ah gawaadhida soo fuula la
yidhi.
“Kolayba xadhigayagu waa sharci darro, markaa tanina waa la mid uun” sidaa
waxa tiraabay Weriye Maxamed Cumar oo weriye ka tirsan Haatuf kula kulmay
xarunta CID-da daqiiqado ka hor intii aan galabtaasi loo caraabin jeelka
weyn ee Mandheera.
Intii ay suxufiyiintani ku xidhnaayeen xarunta CID-da iyo Saldhiga
Koodbuur, cambaarayn iyo baaqyo way hadh beeleen, balse dheg looma dhigin,
waxaana marwalba la isku dayay in iyaga dambiilayaal laga dhigo, cidii
dambiga lahaydna bilaa dambi.
Dabcan, waxa laga yaabaa in qof isweydiiyo, maxaa sidaa loo odhanayaa,
laakiin dabcan waxa keli ah looga baahnaa maxkamadaha iyo cidda ay
khusayso dacwadaniba, haddii ay daacad ka yihiin arrintan in iyaga oo
suxufiyiintu debada iska jooga la yidhaahdo, eedaha musuq-maasuq ee aad ka
qorteen qoyska madaxtooyada cadeeya, laakiin taasi lama doonayo sababta oo
ah cid ayuu dambi ku cadaanayaa, markaa waa in la isticmaalo xeerka
Ciqaabta ee laga dhaxlay maamulkii dhiigya cabkii Maxamed Siyaad Barre, si
aanay u soo bandhigi fadeexada maamul iyo musuq-maasuq ee ay qoyska
madaxtooyadu ku kaceen ee Wargeyska Haatuf iftiimiyey.
Isku soo duuboo, marka la qiimeeyo aragtiyihii laga bixiyey, arrintan
xadhiga aan sharciga ahayn ee suxufiyiinta Haatuf waxa dadkii wax ka qoray
ka mid ahaa weriye C/Risaaq Maxamed Dubad, waxaanu qoraal uu qoray oo lagu
baahiyey Wargeyska Geeska Afrika uu ku sheegay in xadhiga suxufiyiinta
Haatuf ku dhamaan doono sidii uu ku bilawday “waa sharci darro’e”.
Hase yeeshee, ilayn sharci darro maxkamad hoose ku kacday waa la saxaa,
laakiin su’aasha isweydiinta mudani waxa weeye, Gudoonka Maxkamadda Sare
ee dastuuriga ahayd ayaa mar keli ah, maalin taariikhi ah go’aan ku
gaadhay in gebi ahaanba la laalo shuruucda xorriyadda saxaafadda iyo ra’yi
dhiibashada mar keli ah.
Qaraarkan ayaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare 20/02/2007 soo saaray,
maalintaas oo ku beegan 25 sannadood kadib markii ay ardayda dugsiyada
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco 20/2/1982 dhagax kala hortageen
ciidamadii dawladda Siyaad Barre, taas oo ka dhalatay xukunkii xaq-darrada
ahaa ee lagula kacay xubnihii UFO, garsoorana uu ka ahaa ninkii saddex
xaraf yaqaanay ee Geelle.
Imika xaaladu way soo dhaaftay suxufiyiinta Haatuf ha loo raaco xeerka
saxaafadda iyo dastuurka Somaliland, balse waxay sheekadu maraysaa
xikmadii odhan jirtay “Faal wax kama taro jannadda nin ay faro ka yaaliin”,
markaa xeer saxaafadeed iyo dastuur midkoodna waxba ka tari maayo nin
ficilo uu yaqaanay gacmaha iyo afkuba u cun-cunayaan.
Sidaasi darteed aan ku soo koobo, fariin muhiim ah oo odhanaysa “Meel
walba la isla soo dhaaf, maxkamadihii hoose ee Xeerka Ciqaabta lagaga
cabanayey dhaaftay, imika meeshu waa Mandheera, Garsooruhuna wuxuu xukunka
ku qaadayaa xeerkii Ciqaabta ee galaaftay kumanaan qof oo aan waxba
galabsan naftooda, kuwaasi oo ay saraakiishii ciidankii NSS-tu dambi ugu
sameeyeen, ka dibna dhegta dhiiga loo daray”. Waxaase ugu cajiibsan
maalinta suxufiyiinta Haatuf xabsiga loo taxaabay waxay ahayd 02/01/2007,
oo ku beegnayd 02/01/1983-kii markii 40 Mujaahid oo uu hogaaminayo Alla ha
u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) maxaabiis cabirka
ra’yigooda loo xidhay kala baxeen xabsiga Mandheera oo ay hadda ku xidhan
yihiin suxufiyiinta Haatuf. Top
Dacwada
Suxufiyiinta Haatuf Oo Maanta Lagu
Dhegaysanayo Xabsiga Mandheera |
Hargeysa, March 1, 2007 (Haatuf) –
Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta mar kale dhegaysan doonta dacwada
Suxufiyiinta Haatuf ee muddada labada bilood ah lahayayaasha ku ah xabsiga
weyn Mandheera, kadib markii ay qaraar ay soo saartay Maxkamadda Sare ee
Somaliland shalay gebi ahaanba ku laashay ku-dhaqanka xeerka Saxaafadda ee
dacwadaas, iyadoo dacwadaas Maxkamadda gobolka Hargeysa ku dhegaysan
doonto xabsiga Mandheera ee ay suxufiyiintaasi ku xidhan yihiin.
Dacwaddan oo ay hore Maxkamadda Sare u hakisay dhegaysigeeda kadib markii
ay qareenada difaacaya suxufiyiinta Haatuf racfaan uga qaateen Maxkamadda
Sare qaraar ay Maxkamadaha gobolka iyo racfaanka Hargeysa ku laaleen in
xeerka Saxaafadda lagu dhaqo dacwadaas, ayay Maxkamada sare maalintii
shalay soo saartay go’aan ay ku ayidayso qaraaradaas ay Maxkamadaha hoose
ku laaleen xeerka saxaafadda, waxaanay Maxkamadda Sare go’aankeedaas ku
amartay inuu garsooraha dacwadaas gacanta ku hayaa si degdeg ah xukun uga
soo saaro, waxaanu garsoore Faysal Ismaaciil isagoo amarkaas fulinaya
maanta u muddeeyay in dhegaysiga dacwadaasi ka furmo xabsiga Mandheera,
iyadoo la filayana inuu isla maanta si degdeg ah xukun uga gaadho.
Suxufiyiinta Haatuf oo kala ah Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cali Cabdi iyo
Maxamed Cumar Sheekh, ayaa xadhigoogu daba socdaa qoraalo taxane ahaa oo
uu Wargeyska Haatuf ku soo bandhigay Musuqmaasuqyo ay galeen qoyska
Madaxtooyadu, balse ciidanka bileyska ayaa bishii January 2, 2007 soo
weeraray xarunta Wargeyska Haatuf, isla markaana si sharciga baalmarsan
xabsiga ugu taxaabay gudoomaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe
iyo tifaftiraha Cali Cabdi Diini. Sidoo kale, isla bishii January 14, 2007
ayay xeer-ilaalinta gobolka Hargeysa oo ay weheliyaan ciidanka bileysku
waxay magaalada Boorama ka soo qabteen weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal,
Maxamed Cumar Sh. Ibraahim.
Suxufiyiintan ayay Xeer-ilaalintu ku soo eedaysay inay aflagaado u
geysteen Madaxweyne iyo qoyskiisa hase yeeshee suxufiyiintaas ayaa
dacwadooda uu dhibanaha ka yahay Madaxweyne Rayaale waxa laga leexiyay
gebi ahaanba in lagu dhaqo xeerkii saxaafadda Somaliland ee labada aqal ee
baarlamaanku [wakiilada iyo guurtida] ansixiyeen, isla markaana uu
Madaxweyen Rayaale saxeexay sannadkii 2004, kaas oo lagu bedelay in
dacwadooda loo maro xeerkii ciqaabta guud ee dalkii Soomaaliya.
Dhammaan ururada xuquuqal-insaanka iyo kuwa saxaafadda ee gudaha dalka iyo
kuwa caalamiga ah ayaa cambaareyn u soo jeediyay xadhigga suxufiyiintaas,
isla markaana xukuumadda Somaliland ka dalbaday in si shuruud la’aan ah
lagu sii daayo dacwadoodana loo raaco xeerka saxaafadda Somaliland
leedahay, hase yeeshee Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa ayaa gebi
ahaan dhegaha ka furaystay dhawaaqyada iska soo daba-dhacaya ee gudaha iyo
dibadda Somaliland, iyadoo dad badani u arkaa in tacadiga lagula kacay
suxufiyiintaasi dhaawac weyn u geysatay sumcadii ay Somaliland ka kasbatay
beesha caalamka. Top
Mooshin Ku
Saabsan Aqoonsiga Somaliland Oo Bishan
La Soo Hordhigayo Baarlamaanka Kenya |
“Shantii Soomaaliyeed way kala tageene,
maxaa Somaliland loo maagayaa”
Nairobi, March 1, 2007 (Haatuf) – Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka dalka
Kenya oo sannadkii hore booqasho ku yimid Somaliland ayaa sheegay inay
mooshin la xidhiidha qaddiyada Aqoonsiga Somaliland soo hordhigi doonaan
baarlamaankooda dalkooda 20-ka bisha March, 2007.
Sidaana waxa shaaca ka qaaday Mudane Bilow Keerow oo ah siyaasi miisaan
culus ku leh siyaasadda dalka Kenya, lagana soo doorto gobolka Soomaalidu
degto ee waqooyiga bari ee Kenya (NFD).
Mudanahani waxa uu sidaa ka sheegay xaflad weyn oo ay jaaliyadda
Somaliland iyo mudanayaasha mooshinkan wadaa ku qabteen magaalada Nairobi
ee dalka Kenya, taasi oo qayb ka ahayd ololaha la doonayo in baarlamaanka
Kenya u codeeyo inay dawladda dalkaasi horseedo aqoonsi siyaasadeed oo ay
Somaliland ka hesho beesha caalamka.
Mudane Keerow oo u waramayey Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho,
isaga oo jooga xafladaasi waxa uu yidhi. “Dawladda Kenya waxaan raja weyn
ka qabnaa inay aqoonsi buuxa siiso Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo
horseedaysa in Somaliland noqoto dal ka mid ah dalalka beesha caalamka”.
Waxaanu Mudanuhu intaasi raaciyey, “Maadaama ay dawladda Kenya xilligan
hayso gudoomiyenimada urur goboleedka IGAD waxay uga faa’iidaysan kartaa
inay horseedo aqoonsiga Somaliland”.
Mudane Keerow, waxa uu sheegay in marka ay mooshinka horgeeyaan golaha
baarlamaanka Kenya ee uu ansixiyo inay dawladda Kenya fuliso go’aankooda,
isla markaana aqoonsato Somaliland.
Hase yeeshee Mudanahan oo weriyihii Horn Afrik ee waraysanayey weydiiyey,
sida ay macquul u tahay inuu hogaamiyo mooshin lagu kala goynayo midnimada
Somalia waxa uu yidhi. “Shantii Soomaali weyn goor hore ayey kala tageen,
anigu waxaan ahay Soomaali, Kenya waxa ku yaala gobol dhan oo Soomaaliyeed
NFD, sidoo kale Itoobiya waxa ku yaala kililka shanaad ee Soomaalida,
Djibouti waa Soomaali, waan dawlad la aqoonsan yahay, oo madax banaan,
marka maxaa Somaliland keliya loo maagayaa, ma iyadaa ugu horeysay kala
tagga shantii Soomaaliyeed, jawaabtu waa maya, anigu waxaan qabaa in
Somaliland la aqoonsado, sababta oo ah markii horeba dal madax banaan ayey
ahayd, iyadaa la midowday 60-kii Koonfurta Somalia, haddana isaga tagtay
markii ay aragtay dhibaatada ka dilaacday koonfurta”.
Kooxdan mudanayaasha reer Kenya ee doonaya inay baarlamaanka Kenya 20-ka
bishan March soo hordhigaan mooshinka aqoonsiga Somaliland, waxa ay
tiradoodu gaadhaysaa 13 mudane, kuwaasi oo ay afar ka mid ahi hore u soo
booqdeen Somaliland, isla markaana habeen hore xafladda ee lagu
taageerayey qaddiyadda Somaliland kala qayb galay jaaliyadda Somaliland ee
halkaasi ku dhaqan.
Mooshinkan oo ay hogaaminayaan ruug cadaayo xubno ka ah baarlamaanka dalka
Kenya, waxa uu noqonayaa markii ugu horeysay ee ay baarlamaan Afrikaan ahi
u ololeeyo qaddiyada Aqoonsiga Somaliland, iyada oo horena bishii ina
dhaaftay wasiirka arrimaha debada ee Rwanda si rasmi ah u soo dhex dhigay
shirweynihii madaxda Afriki ku yeelatay Addis Ababa qaddiyada Somaliland,
waxa ay tan baarlamaanka Kenya-na ka dhigaysaa in waqtigan ay wadamo iyo
shakhsiyaad caan ahi iskood ugu hawlan yihiin qaddiyada Aqoonsiga
Somaliland. Top
Ururka HAWO
GROUP Oo Ololaha Wacyi-Gelinta HIV-AIDS
Ka Sameeyey Degaanada Galbeedka Hargeysa |
Hargeysa, March 1, 2007 (Haatuf) – Ururka
HAWO GROUP oo ka mid ah ururada wadaniga ah ee ka hawl-gala wacyi-gelinta
cudurka dilaaga ah ee HIV-AIDS ayaa olole balaadhan oo wacyi-gelin ah
maalintii shalay ku soo sameeyey degaano ka tirsan gobolka Hargeysa oo ay
ka mid ahaayeen Gadh-yogol, Abaarso, Dhaboolaq, Cadaroosh iyo Caro-yaambo.
Masuuliyiinta ururka HAWO GROUP oo wata gaadiid ay ku rakiban yihiin
codbaahiyayaal ayaa waxay degaanada ay soo mareen dhamaantood u qaybiyeen
qoraalo muujinaya khatarta cudurkaasi, isla markaana u jeediyey bulshada
degaanadaasi khudbado la xidhiidha wacyi-gelinta cudurkaas dilaaga ah,
waxaanay ugu horeyn ololaha wacyi gelinta ah ka bilaabeen xubnaha
ururkaasi boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan degaanka Gadh-yogol oo
isugu soo baxay barxad ku taala dugsiga hoose ee tuuladaasi, halkaas oo uu
kala hadlay Eng. Cumar Cilmi oo ah sarkaalka mashaariicda iyo tababarada u
qaabilsan ururka HAWO GROUP, waxaanu bulshada isugu soo baxday kulankaasi
uga waramay khatarta iyo waxyeelada uu leeyahay cudurkani dilaaga ahi iyo
sida ugu haboon ee layskaga ilaalin karo, kaas oo uu tilmaamay inuu
galaagtay ummad badan oo caalamka ku dhaqan, isaga oo dhinaca kalena
sheegay in cudurkani uu ka dhasho fusuqa iyo sinada xaaraanta ah, waxaanu
Engineerku yidhi “Ujeedada socdaalkayaga iyo kulankan aanu idiin qabanay
waxa uu la xidhiidhaa sidii wacyi gelin aanu idiinka siin lahayn khatarta
cudurka dilaaga ah ee HIV-AIDS oo ah cudur aan ilaa hada dawadiisa la
helin, loona baahan yahay in qof kastaa ka feejignaado waxyaalaha uu ka
dasho ee ay ka midka yihiin galmada xaaraanta ah, taas oo marka dambe
sababta inuu qofku u geeriyoodo. Anagoo adeegsanayna wacyi-gelintayada ku
jihaysan cudurkaasi buugaagtan iyo qoraaladan xambaarsan khatarta uu
leeyahay ee aan idiin qaybinay , waxaanu idinkula dardaarmaynaa inaydin
feejignaan iyo baraarug u yeelataan aafada cudurkaasi, iskana
wacyi-gelisaan gudihiina”.
Waxa kaloo iyaduna halkaasi ka hadashay Marwo Aamina Cige oo ah
gudoomiyaha HAWO GROUP, waxaanay bulshada degaankaasi ku dhaqan u sheegtay
inaanay wajigoodu isku cusbayn ururka iyo bulshada reer Gadh-yogol, balse
ay si balaadhan iskugu xidhan yihiin ururkooda oo ay tilmaamtay inuu
waxyaalo badan oo la xidhiidha adeegyada bulshada ay ka qabteen, isla
markaana ay diyaar u yihiin in siminaaro la xidhiidha wacyi gelinta
cudurkani ay dhowaan ka samayn doonaan tuuladan iyo degaanada ku dhow
dhow, isla markaana Marwo Aamina maamulka, macalimiinta iyo ardayda
dugsiga hoose dhexe wax ka barata dardaaran weyn ugu jeedisay inay si
balaadhan uga faa’iidaystaan boqol buug oo la xidhiidha wacyi gelinta
cudurkaasi oo uu ururkoodu ku gudoonsiiyey kulankaasi ay u qabteen.
Dhinaca kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Cumar Sheekh oo ka mid ah
odayaasha tuuladaasi, waxaanu halkaasi mahad naq balaadhan uga soo
jeediyey masuuliyiinta ururka HAWO GROUP oo uu sheegay inay wax badan ka
qabteen degaanada ku xeeran tuuladan.
Sidoo kale, masuuliyiinta ururkani waxay ololahooda wacyi-gelinta
cudurkani ku soo mareen degaanada Dhaboolaq, Cadaroosh, Caro-yaambo,
Abaarso, kuwaas oo dhamaan dadweynaha ku dhaqan degaanadaasi ay u
jeediyeen khudbado ku waajahn wacyi gelinta cudurkaasi dilaaga ah. Top
Dawlada Hoose
ee Boorama oo Bilawday Dhismaha Jid 10 Km ah
iyo Nadiifinta Magalaada |
Boorama, March 1, 2007 – Dawladda hoose ee
Boorama ayaa ka bilawday magaalada samaynta jid dhererkiisu gaadhayo 10
km, jidkaas ayaa ah mid wareeg ah oo isku xidhi doona xaafadaha magaalada
Boorama.
Sida uu ku soo waramay Haashim Goth oo ka tirsan Shabakadda Awadalnews
Duqa Magaalada Boorama Cabdi Shide Bile ayaa sheegay inay dawladda hoose
bilawday banaynta jidadka iyo samayntooda kaas oo ay kharashka ku bixi
doona ay bixinayso Dawladda hoose ee Boorama, “hawshana waxaan ugu talo
galay in aan muddo dhawr bilood ah ku dhamaystiro, Jidadkani waa qaar ay
dadku aad ugu baahi qabeen, waxayna u sahlaysaa isku socodka xaafadaha
magaalada” ayuu yidhi Maayar Shide.
Banaynta jidadka ayaa dhanka kale waxay keentay khasaare taas oo ay
cagafyadu waxyeeleeyaan qasabadaha biyaha ee magaaladu ka cabto, waxaana
xaafadaha qaarkood ka go'ay biyaha, hawshaas oo ku noqotay shirkadda
biyaha gacanta ku haysa ee SHABA mid culus oo ku keenta khasaare, lamana
arag shaqaale ka socda SHABA oo tusaya Dawladda hoose meelaha qasabaduhu
ku jiraan jidadka ee u baahan in ay iska ilaaliyaan.
Dhanka kalana waxay isla Dawladda hoose oo ay iskaashanayaan hay’adda
Swiss-group bilaabeen olole dhinaca nadaafada ah, taas oo xaafadaha
magaalada Boorama maalinba xaafad laga qaadayo khashinka, iyadoo maalmaha
qaarna dadweynaha loo samaynayo wacyi-gelin dhanka nadaafadda ah, waxaana
dadweynaha loo sheegayaa dhibaatada uu leeyahay khashinku iyo sida ay uga
dhalan karaan cuduraddu. Waxa kale oo dadweynaha lagu boorinayaa in aanay
caadaysan dugsashada xashiishka, iyadoo inta badana xanuunada ku dhaca
carruurta iyo dadka waaweynba loo sababeeyaa in ay keenaan nadaafad xumada
iyo xashiishka oo aan la iska fogayn.
Mashruucan nadaafada ee ay wada hirgalinayaan Dawladda hoose iyo
Swissgroup ayaa socon doona mudo dhawr bilood ah, waxaana ka qayb
qaadanaya D/hoose, Ururada wadaniga ah iyo warbaahinta, hawshuna waa mid
tijaabo ah oo lagu eegayo in bal dadweynuhu fahmaan faa’iidada ay u
leedahay. Top
Gabay
Midhihii Axmed Cismaan
Kasma li’i calool loogu guray Raashin kala kaana
Kash taraaray dhuuniga kabiday Kurbadii shidaysay
Kadeed iyo adoon hawl u mudan tirada koorayda
Karuurkiisa geelaanad dhaqan waad ku kibirtaaye
Sidoon lawga kaaraha gubaa aanu karahaynin
Ha karaamo seegina habaar laygu kari waaye
Kumaa laga hayaa rag isyaqaan kuma kalaamaane
Kaskiisa hadal masuulkaa waxaan kaafiyeyn yidhiye
Hadaad kohato belo aan ku hayn waad la kulantaaye
Kelmadaa markii aad bulshada kor ugu qaadaysay
Kumaad darin kacaankii xaguu kaahinow maraye
Kurbadkiyo isma le sidaad shacbiga u kelifaysaane
Kudladii intaan cidi tarixinay ka kori wayday
Ee kaadir iyo guulwadihii lagu karbaashaayo
Sharaf inaad bulshada ka kasbataan kaafka kuma taale
Kuwii xaq u lahaayoo qunbaha wada kulaalaaya
Ummadii ku koolkoolisee kuugu riday foodka
Ee kaaga eexdee ku yidhi kaalay na hogaami
Malaa kooxdaa gabaaraydaad kaga kalsoonaatay
Mise faal ku haanaa ku yidhi awgayoow kalife
Kursigaa in lays daba galiyo kaashifaada lehe
Kartina ma lihid hadalxumana waad la kambadhuudhaaye
Kaban maysid caanaha haddii laysku soo kibo’e
Inbadan baanu kuu kaadinee kaarkan kugu oogan
Cid karaamo sugtaba dulqaad kaaba wuu hadhaye
Waxaad ka hesho haw dagan wanaag kugu filaan waaye. Top
Ganacsatada
Hillibleyaasha Hargeysa Oo Mar Ka
Dhawaajiyay Cabashadooda Korodhka Khidmadda Kawaanka Xoolaha |
Hargeysa, March 1, 2007 (Haatuf) – Qaar ka mid
ah ganacsatada Hilibka Hargeysa, ayaa mar kale soo bandhigay cabasho ay
kaga soo horjeedaan lacag lagu kordhiyay adeega Kawaanka qalliin Xoolaha
Hargeysa, oo ay maamusho shirkad madax-banaan oo lagu magacaabo Maandeeq,
isla-markaana, waxay xukuumada ka dalbadeen gaar ahaan madaxweynaha iyo
madaxweyne ku-xigeenka, inay arrintaa wax ka qabtaan.
Kontameeyo ka mid ah ganacsatada Hilibka oo ka kala hawl-gala suuqyo kala
duwan oo magaalada Hargeysa ah, ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen
Hoteel Raasuun, ku soo bandhigay marxalado kala duwan oo ay soo martay
cabashadoodu todobaadyadii ugu dambaysay, ka dib markii ay soo baxday
qiimo-kordhinta adeegga Kawaanka Hargeysa.
“Intii aanu ku ganacsan jirnay kawaankii hore, ee aan loo rarin Kawaankan
cusub ee Maandeeq maamusho waxa nalaga qaadi jiray 3000 neefka Geela ah,
Lo’dana 2000, Adhigana 800. markii na loo raray Kawaanka cusub waxa laga
dhigay Adhigii 3500, Geelii 7000, Lo’diina 4000. hase ahaatee, waxay tidhi
shirkadda Maandeeq kordhiya lacagtii, oo waxa la yidhi 42,000 oo xataa
qaadista bixiya, Adhigiina waxa la yidhi 6500, Lo’diina 22,000. taana
waanu isku diidnay. Hase ahaatee, Maayarkii baa naga raacay shirkadii oo
iyada laftigeedu shiciba sidayada oo kale.” Sidaa waxa yidhi, Iid Yuusuf
Shookaan, oo ka mid ahaa xubnihii halkaa uga hadlay Hiliblaha,
faahfaahinayayna bilowgii isqabsiga Hiliblaha iyo shirkadda Maandeeq,
waxaanu intaa ku daray oo yidhi, “Waanu dacwad tagnay, ilaa madaxweyne
ku-xigeenka ayaanu soconay, Badhsaabkana loo xil-saaray arrintayada inuu
wax ka qabto, dhawaan baanu yidhi Guddi 15 xubnood ah iska soo saara,
qoladii shirkadana ha loo yeedho, Saldhigga dhexe ee Bileyska dabaqa sare
ayaana la yidhi kaalaya, waxaana halkaa noogu yimi Maayarkii oo na yidhi
waa go’aan dawladeed ee lacagtii bixiya, adigu waxoogaa baanu wada-hadalay,
waxaana nalagu dhex-dhexaadiyay in aanu saddex cisho bixino neefka Geel ah
15,000, neefka Lo’da ahna 10,000, neefka Adhiga ahna 6,500, Guddi baana
loo saarayaa arrinka, kuwaas oo Wasiirka Arrimaha Guduhu ku jiro, oo
arrinka dhamaysa, intaa ka dib baa Maayarka Caasimadu Radio Hargeysa ka
sii daayay war uu ku sheegayo inaanu heshiinay, mana jiro heshiis dhacay.”
Waxa uu tilmaamay, in kulankaa ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta
Bileyska oo uu ku jiro Jananku (Maxamed Saqadhi Dubad).
Sidoo kale, waxa ay sheegeen in saddexdii maalmood ee heshiiska lagu ahaa
inay lacagtaas sii bixiyaan inta guddidu arrinka meel ku hubsanayso, ay
maanta ku egtahay. Isla-markaana, aan ilaa hadda jirin wax heshiis ah oo
arrintaa laga gaadhay. “Gaadhigan Lambarka
Dawladu ku qoran yahay, dhinacna shirkadda Maandeeq kaga taalo iyo
Maayarkan marna shirkadii ah, marna Maayarkii magaalada ah, garanmayno’e,
waxaanu u sheegaynaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka inay arrinkan
guddi u saaraan oo wax laga qabto, Saddexdii cisho ee naloo qabtayna
maantay (Shalay) ku egtahay, berina waanu bixinaynaa,” ayuu yidhi Iid
Yuusuf Shookaan.
Kooxdan Hiliblayaasha ah oo Afartaneeyo ka mid ahi Haween ahaayeen, waxay
ka cawdeen culays ay sheegeen in lagu saarayo bixinta lacagta lagu
kordhiyay adeega Kawaanka Qalliinka Hilibka, “Dawladayada waxaanu u
sheegaynaa, in aanaan qaadi karin cidhiidhi, markaanu neefka iibsanayno
ciidan baa na ilaaliya, waana kuwii loo sameeyay inay ilaaliyaan ammaanka
shicibka.” Sidaana waxa tidhi Luul Faarax Xuseen.
Xaliimo Cabdi Aw-xuseen oo iyaduna ka mid ahayd dumarkii halkaa ka hadlay,
ayaa sheegtay inuu jiro Adhi Dawladda Hoose uga xanibtay laba todobaad ka
hor cabashadan la xidhiidha qiimo kordhinta Kawaanka, Adhigaas oo ay
sheegtay inay gaadhayaan Labaataneeyo, waxay tilmaamtay in lagu xidhay
ganaax ka badan qiimahoodii neef kasta. Sidoo
kale, waxa halkaa ka hadlay oo kale Xubno ay ka mid ahaayeen, Aadan Muuse
Kabadhe, Cabdi Maxamuud Warsame (Foostari), iyo Sahra Muuse Jaamac.
kuwaasoo dhamaantoodba iska daba-maray inay si aada u diidan yihiin
qiimo-kordhinta Kawaanka Qalliinka, isla-markaana, codsaday in la soo
dhex-galo iyaga iyo Maandeeq, waxna laga qabto arrinta, maadaama ay weli
sidii u cakiran tahay. Top
Nin Ay Walaalo
Ahaayeen Xasan Dahir Aweys Iyo
Mid Kale Oo Seediyo Ahaayeen Ra’iisal-Wasaare Geedi
Oo Lagu Khaarajiyay Muqdisho |
Muqdisho, March 1, 2007 (W. Wararka) – Nin
magaciisa la yidhaahdo Asad Yaasiin Sheekh Muxumed oo ay ilma adeer
ahaayeen Sheekh Xasan Dahir Aweys Gudoomiyihii golaha Shuuradda
Maxkamadihii burburay ayaa shalay lagu toogtay agagaarka xaafadda Cali
Kamiin ee magaalada Muqdisho, kadib markii kooxo hubaysan ay rasaas
huwiyeen iyagoo gaadhigii ay wateen ku hor gudbay gaadhigii uu watay ninka
la dilay.
Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka Furayaasha Cali Kamiin ayaa sheegay in
kooxdaas Asad Yaasiin dishay ay wateen laba gaadhi oo nooca loo yaqaan
Mark2 ah iyo gaadhi kale oo ah bas oo ah nooca loo yaqaan Caasiga, kuwaas
oo si arxan daro rasaasta ula raac-raacay.
Asad Yaasiin wuxuu ka mid ahaa dhalinyaradda Xaafadda Laba dhagax ee
magaalada Muqdisho, isagoo ka mid noqday 8 Nin oo maalintii shalay siyaabo
kala duwan loogu kala dilay degaanadda Suuqa Xoolaha, Yaaqshiid, Xamar
weyne, Cali Kamiin iyo Buulo Xuubeey oo dhammaantood ka tirsan magaalada
Muqdisho.
Lama ogga sababaha loo dilay Marxuum Asad Yaasiin Sheekh Muxumed laakiin
xilligii Maxkamaduhu ay ku sugnaayeen Muqdisho ayaa la sheegay inuu mar ka
badbaaday mishin la doonayay in lagu dilo kadib markii nin ku hubaysan
bastoolad uu ugu galay goob Internet Coffee ah kadibna ay ka katibtay
bastooladii uu sitay taas oo sababtay in ASAD bastoolad uu isagu sitay la
soo baxo oo uu dhaawaco ninkii doonayay inuu khaarajiyo.
Dhinaca maalintii dorraad ayaa nin magaciisa la yidhaahdo Yuusuf Maxamed
Maxamud oo ka mid ahaa Ganacsatadda Muqdisho ay kooxo dabley ahi ku dileen
wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha Muqdisho xilli uu ka sii baxaayay
degaankaas.
Marxuumka la dilay oo caan ku ahaa Yuusuf Darbuuxshe ayaa la sheegay in
kooxaha dilay ay muddo daba taagnaayeen iyagoo u aaneynayay inuu ka
tirsanaa ganacsatadda la siyaasadda ah Ra’isul-wasaarre Geeddi.
Marxuum Yuusuf Darbuuxshe ayaa la sheegay inay xaaskiisa ahayd gabadh la
dhalatay Ra'isulwasaarre Cali Maxamed Geeddi oo la yidhaahdo Ayaan Maxamed
Geeddi.
Yuusuf Dar buuxshe ayaa la sheegay inuu kaalin weyn ku lahaa dhinaca
Waxbarashadda Magaaladda Muqdisho, isagoo ahaa Mulkiilaha Dugsiyada Jaabi
binu Xayaan, Maka Al Mukarama iyo dugsiga weyn ee Macalim Jaamac.
Lama garanayo kooxaha ninkan dilay hase yeeshee waxay warar hoose u badan
yihiin dhinaca Muqaawimadda ka soo horjeedda dawladda Cabdillaahi Yuusuf
walow ila xog ogaalina ay sheegayaan inuu ahaa ganacsadihii qandaraaska ku
qaatay dayactirka xarunta Madaxtooyadda.
Magaalada Muqdisho ayaa iyana maalintii Salaasadii dorraad lagu dilay 11
qof, dilalkaas oo la aaminsan yahay inay ahaayeen kuwo inta badan siyaasi
ah oo lagaga soo horjeedo dawladda Cabdillaahi Yuusuf iyo ciidamada
Itoobiyaanka ah. Top
Itoobiya Oo La
Wareegtay Dhexdhexaadinta Labada Beelood
Ee Dirirtu Ku Dhexmartay Degaanka Daroor |
Hargeysa, March 1, 2007 (Haatuf) -
Ergooyinka reer Somaliland ee waayadan nabadeynta iyo dhexdhexaadinta ka
dhex-waday labada beelood ee walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay
degaanka Daroor oo ka tirsan Kililka 5-aad ee Soomaalida Itoobiya ayaa
shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay hawshii dhexdhexaadinta
khilaafaadka ee u dhaxeeyey labada beelood ku wareejiyeen dawladda
Itoobiya ee ay degaanka ahaan dhulka dirirku ku dhexmartay ka tirsan
yihiin.
Ugu yaraan 50 xubnood oo isugu jira labada beelood ee walaalaha ah ee
colaadu ku dhexmartay degaanka Daroor ayaa loo saaray sidii heshiisyo iyo
go’aamo wax ku ool ah uga gaadhi lahaayeen colaadii dhexmartay, taas oo ay
dawladda Itoobiyana qayb ka qaadanayso.
Munaasabad ay ujeedadeedu ahayd sidii nabad waarta looga dhaqan gelin
lahaa labada beelood ee walaalaha ah ayaa shalay lagu qabtay Madasha
wada-hadalka ee Daroor, halkaas oo ay khudbado dardaaran iyo waano ah ka
jeediyeen masuuliyiinta iyo wax-garadka ergada halkaas u tegay.
Muftiga Reer Somaliland Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo munaasabadaa ka
jeediyey hadal isugu jira duco iyo waano ayaa sheegay inaanay colaadu
ahayn wax fiican waxaanu yidhi: “Waxaan idiin sheegayaa inaanay colaadu
fiicnayn, isla markaana ay diinteena islaamku diidan tahay in la daadiyo
dhiigga qof muslim ah.”
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md, Saleebaan Maxamuud Aadan oo
isna halkaas hadal dheer ka jeediyey ayaa hadalkiisa waxa ka mid ahaa oo
uu yidhi: “Mar haddii ay dawladda Itoobiya qaadatay masuuliyada xilkaasi
balaadhan ee nabadeynta ee labada beelood ee walaala ah ee ay shaqaqadu ka
dhexdhacday waa inay si cadaaladda ugu xaqsoortaa.”
Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo isna
halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay labada beelood ee walaalaha ah
heshiisiintooda ay dawladda Somaliland dedaal ka gashay iyadoo Dawladaha
Somaliland iyo Itoobiyana ay yihiin laba dal oo xidhiidh qoto dheeri ka
soo dhexeeyey. “Dawladda Itoobiyana waxa looga baahan yahay inay
arrintaasi dedaal dheeraada ka gasho si aanay dib ugu soo noqon
dhibaatooyinkii halkaasi ka dhacay” ayuu yidhi Warran-cadde.
Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulka Kililka 5aad ee Soomaalida
Itoobiya Cabdi Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka ay
xurguftu dhexmartay ay yihiin dadkoodii sidaas darteedna inaanay
damiirkiisa siinayn khilaafka ka dhacay Daroor inay xalin-kari waayaan
“Dadka ay xurgufrtu dhexmartay waa dadkeenii, Damiirkayaguna na siin maayo
inaynu wax ka qaban kari wayno khilaafka ka dhacay degaanka Daroor,
waxaanu balanqaadaynaa sidii aanu xal balaadhan oo waara uga gaadhi lahayn
walaaleynta labadaasi beelood” ayuu yidhi. Top
Warbaahinta
Ingiriiska Oo Dhacdadii 11 September
Ku Xidhiidhisay Madaxweyne Bush |
Qaybtii 5-aad
Wargeyska Daily Mail oo ka mid ah Wargeysyada ugu caansan dalka
Boqortooyadda Ingiriiska ka soo baxa ayaa bishan February 10-keedii
daabacay maqaal la yidhaahdo “An Explosion of disbelief – fresh doubts
over 9/11” oo la macno ah “Sawaxanka u qaadan waaga ah ee ka dhashay shaki
cusub oo ku saabsan dhacdadii 9/11”, kaasi oo uu wax kaga iftiiminayo
shaki ka yimid cida loo aanaynayo burburkii 11-kii September 2001 oo marka
la soo gaabiyo loo yaqaano 9/11.
Wargeyska Daily Mail, qaybtiisii shanaadna waxa uu Wargeysku u qoray sidan:-
Buugga Professor Griffin iyo Filimka loogu magac daray “Loose Change” [ee
aynu qaybihii hore ku soo qaadanay], filimkaas oo magaciisa loo turjumi
karo “Qadaadiic ayaa la iskugu keen dhuftay” waxay labaduba calaamatu
su’aal saarayaan sidii uu madaxweyne Bush u dhaqmay labadii jeer ee la
war-geliyey markii ay diyaaradihii kala dambeeyey duqeeyeen “Twin Towers”.
Dadka qaba in dhacdadan 9/11 inay ahayd shirqool (conspiracy lobby)
xukuumadda Bush ka dambaysay, waxyaabaha ay cuskadaan doodooda kama maqna
shucuurta madaxweyne Bush laga arkay TV-yada, daqiiqadihii ugu horeeyey ee
loo sheegay weeraradii “Twin Towers-ka” lagu qaaday, iyada oo uu
waqtigaasi madaxweyne Bush joogay gobolka Florida oo boqolaal mayl u jirta
xaruntii dalkiisa ee Washington, isaga oo markaa arday dugsi hoose ah
booqasho kula jooga, una akhriyaya buug sheeko carruureed ah, waqtigaasi
oo ahaa ilbidhiqsiyadii ay dhacayeen weeraradii ugu xumaa ee casrigan aynu
joogno.
Madaxweyne Bush waxoogay dareen ah ayuun buu muujiyey, markii la
taliyihiisu ku wargeliyey in mid ka mid ah dhismayaashii Twin Towers-ka la
duqeeyey, markaasuu weliba maamulihii dugsiga uu joogay ku yidhi,
“diyaarad rakaab ah ayaa ku dhacday dhismihii ganacsiga adduunka, laakiin
siday doontaba ha ahaatee, waynu iska sii wadaynaynaa akhriskeena” (“but
we’re going ahead with the reading thing anyway”). Miyaanay ahayn “war la
qabaa xiiso ma leh” ayey ku sheegaan dadka qaba in weeraradani ahaayeen
qaar ay xukuumadda Bush lug ku lahayd, taasi oo ay ula jeedaan Madaxweyne
Bush isaga oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Maraykanka ayuu haddana
iska sii watay buuggii uu kooxda yar yar ee ardayda ah u akhriyay’e, isaga
oo markaa og dhiilada dhacday.
Daqiiqado yar dabadeed, waxa markale akhriskii ka soo dhex-galay la
taliyihiisii, kaas oo dhegta u saaray in dhismihii labaad ee Twin
Towers-kana ay diyaarad kale duqaysay ama ku dhacday, hase yeeshee,
muuqaalka sawirada laga qaaday madaxweyne Bush daqiiqadahaasi wax dareen
naxdineed ah muu muujin, lagamana dareemayn wax amakaag ah oo wejigiisa ka
muuqda.
Madaxweyne Bush daqiiqadahaa way u cadayd in duulaan weyn oo argagixiso
lala beegsanayey dal uu madaxweyne u yahay, balse aanu wax caynkaasi u
weyn ka soo qaadin. Laakiin saddex maalmood ka dib isaga oo caasimadiisii
jooga, kiiba muu ahayn. Sababta oo ah, shirkii jaraa’id ee ugu horeeyey ee
uu kaga hadlo dhacdada 9/11 dareenkiisa iyo hadalkiisuba qaar dhiilo leh
bay ahaayeen, wuxuuna si dhiiranaan iyo kalsooni leh ugu eedeeyey
dhacdadii 9/11 inuu Usaama Binu Laaden iyo ururkiisa Al-Qaacida ka
dambeeyeen.
Weedhaha hadalka uu shirkiisa jaraa’id u adeegsaday oo ay dib u soo
xigteen buugga Professor Grifin iyo Filimka Loose Change-ba waxa ka mid
ahaa “Masuuliyada taariikhiga ah ee arrintan nagaga aadani way cadahay,
waxaanay jawaabteedu noqonaysaa weerarada lanagu soo qaaday inaanu
dhudhubo leexsan iyo laba dhagax dhexdood iyo xataa dilba ugu badheedhno
sidii aanu uga takhalusi lahayn dunuubtan kawnka taal”.
Isku soo duuboo, arrintan ayey dad badani u macnaysteen in aanu madaxweyne
Bush ixtiraami doonin wax sharci ah, haba yaraatee, isla markaana uu qaadi
doono talaab kasta oo uu u arko inay dani ugu jirto, xataa haddiiba oo ay
diidayaan shuruucda, qawaaniinta iyo heshiisyada caalamka u yaalaa. Taasi
oo ay dadka arrimahan ka faaloodaa rumaysan yihiin inuu madaxweyne Bush
kaga dhabeeyey, iyada oo wadada loo mari doono dagaalka loogu magac daray
“la dagaalanka argagixisada” lagu dejiyey.
Maqaalkii Wargeyska Daily Mail ee aanu idiin soo bandhignay, halkaasi ayuu
ku dhamaaday, balse waxa aanu maalmaha soo socda idiin soo baahin doonaa,
cida ay dhacdadan 9/11 warbaahinta Maraykankuna ku xidhiidhisay. Top
Nin reer
Pakistan Ah Oo $165 Khamaar Lagaga Helay
U Bixiyay Gabadh Uu Dhalay |
Karachi, March 1, 2007 (W. Wararka) –
Bileyska dalka Pakistan ayaa baadi-goobaya 10 nin oo ka mid yihiin
madax-dhaqameedyo, kuwaas oo gabadh reer Pakistaan ah cadaadis ku saaray
inay gabadh yar oo 17 jir ah ku bixiso khamaar 16 sannadood ka hor lagaga
helay aabaheed.
Kiiskan ayaa muujinaya meel ka-dhacyada loo geysto xuquuqda dumarka ee
dalka Pakistan.
Haweenaydan oo magaceeda la yidhaahdo Nuuraan Cumraani ayaa ku dacwiyaysay
in iyadoo bixisay deyntii ninkeedii hore khamaarka lagaga helay oo
dhammayd $165, haddana lagu handaday in la waxyeelayn doono haddii ay
bixin waydo gabadheeda oo la yidhaahdo Rashiida, gabadhaas yar oo 17 jir
ah ayaa loo doonayaa inuu guursado wiil uu dhalay Lal Hayder, oo ah ninkii
khamaarka turubka kaga guulaystay gabadha yar aabaheed, waxaana sidaas
saxaafadda Isniintii ugu sheegtay magaalada Hyderabad Nuuraan Cumraani.
Waxa kale oo ay sheegtay Nuuraan in ninkeedu ahaa khamaarle, kaas oo
deynta khamaarkan laga helay markii ay inantiisa Rashiida hal sanno jirtay,
waxaanu ugu balan-qaaday inuu Rashiida u bixin doono khamaarkaa deynta ah
marka ay weynaato.
Koral Shaah, oo ah sarkaal ka tirsan bileyska Hyderabad ayaa sheegay in
labada qoysba ka soo jeedaan qabiilada Cumraani oo ka mid ah beel-weynta
reer Pakistan ee la yidhaahdo Baluchistan. Ninkaas bileyska ahi waxa uu
sheegay in koox odayaal ah oo qabiilkaas ka socdaa ay yimaadeen bishii
January magaalada Hyderabad si ay u baadhaan arrintaas, waxaanay xukumeen
iyagoo u adeegsanaya caado qabiileed, in gabadha yar loo guuriyo wiilka 23
jirka ah ee uu dhalay Haidar oo magaciisa la yidhaahdo Cabdil-qani.
Bileysku waxa kale oo ay sheegeen inay doonayaa inay qabtaan Haider iyo
wiilka uu dhalay iyo weliba sideedda madax-dhaqameed, iyadoo dhinaca
kalena ay saraakiisha bileysku Salaasadii dorraad sheegeen in hooyada iyo
gabadheeda ay bileysku ilaalinayaan. Top
Maraykanka,
Iran Iyo Syria Oo Ka Qayb-Gelaya Shir
Lagaga Arrinsanayo Xaaladda Ciraaq |
Baqdaad, March 1, 2007 (W. Wararka) – Shir
madaxeed ku saabsan xaaladda dalka Ciraaq ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco
gudaha waddankaas, kaas oo ay ka qayb gelayaan dalalka saameynta ku leh
waddankaas ee ay ka mid yihiin Maraykanka, Iran iyo Syria.
Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa laga xaqiijiyey in Maraykanka ay wakiillo u
diri doonaan kulankaas, waxana xukuumadda Washington ay marar badan ku
eedaysay waddamada Iran iyo Syria in ay batrool ku shubayaan xaaladda
ammaanka ee dalkaas iyaga oo taageeraya kooxaha kacdoonka ka wada gudaha
dalkaas.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Condoleezza Rice ayaa sheegtay
in shirkani uu hagaajinayo xidhiidhka waddamadaas isla markaasna gacan ka
geysan karo xasiloonida dalka Ciraaq.
Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in uu
doonayo in laga midoobo xaaladda waddanka Ciraaq taasina ay tahay ta
keliya ee nabad lagaga dhalin karo waddanka Ciraaq. Top
Madaxweyne Ku-Xigeenka
Maraykanka Oo Ka
Badbaaday Weerar Bambaano Oo Lala Beegsaday |
Kabul, March 1, 2007 (W. Wararka) –
Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka Dick Cheney ayaa Salaasadii dorraad ka
badbaaday weerar lagu qaaday xili uu safar ku marayey dalka Afghanistan.
Dick Cheney ayaa shalay ku sugnaa Xarunta Ciidamada Maraykanka ee Bagram
halkaas oo lagu soo qaaday weerar bambaano oo ay ku dhinteen 20 qof.
Dick Cheney oo safar kedis ah ku tagay dalka Afghanistan ayaa habeenkaas
seexday Xerada weyn ee Bagram oo 60km u jirta magaalada Kabul ee xarunta
Afghanistan, waxaana subaxnimaddii doraad xilli uu quraacanayay Dick
Cheney ayaa weerarkaas bambaano lagu soo qaaday xeradaas, iyadoo
weerarkaas loo adeegsaday gaadhi.
Qaraxan ayaa ka dhacay albaabka laga galo Xerada Bagram halkaasi oo ay ku
dhinteen 3 ka mid ah Ciidamada ISAF ee NATO iyo labaataneeyo kale oo u
badan dadka reer Afghanistan oo xeradaasi u soo shaqo tagay.
Saacad iyo badh kadib weerarkaas ayuu halkaas ka baxay Madaxweyne
ku-xigeenka Maraykanka oo kulan uu la yeeshay Madaxweyne Hamid Karsaay
kadib ka ambabaxay dalka Afghanistan.
Sannadkii la soo dhaafay ee 2006 ayey dalka afghanistan ku dhinteen 4000
oo ruux, iyadoo weerarada ay soo qaadayaan kooxdii Daalibaan ay sii
xoogsanayaan, iyadoo ay Ururka Daalibaan sheegteen inay ka danbeeyeen
weerarkan lagu qaaday xerada Bagram ee xilligaas ku sugnaa Dick Cheney. Top
Baaqa
Nabadaynta Colaadda Darroor: |
JAALIYADDA REER SOMALILAND EE CARRIGA
INGRIISKA (Great Britain).
Annaga oo ku hadlayna magaca Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan
Carriga Ingriiska, annaka oo aad uga murugaysan colaadda ka soo laba
kaclaysay ee ka aloosan deegaanka Darroor, ee uu dhiigga sokeeye ee faraha
badani beryahanba ku daadanayey; waxaannu si Islaamnimada, walaalnimada
iyo waddaninimada inaga dhaxaysa waafaqsan ugu soo jeedinaynaa inay labada
dhinac ee is-hayaa ugu horrayn si degdeg ah, oo bilaa shuruud ah xabbadda
u joojiyaan, geedka nabaddana la soo wada fadhiisto!
Waxaanu codsanaynaa in ciidammada hubaysan la kala kexeeyo oo ergooyinka
nabadaynta ee walaalnimada idiinku soo gurmaday la aqbalo oo xeerbeegtida
loo daayo inay ka gungaadho xallinta mushkiladda.
Waxaannu idin xasuusinaynaa in Diinteenna suubban ee Islaamku ay
xaaraantinimaynayso in dhiigga Muslimka lagu daadiyo xaqdarro; oo
dagaallada noocan ah kooda ku dhinta iyo kooda cid ku dilaaba ay Naarta ku
hoyanayaan; sida laga weriyey Nebi Maxamed, nabadgelyo iyo naxariisi
korkiisa ha ahaato e.
Marka natiijada dagaalkan ee aakhiro taa tahay, waxaynu ognahay in ta ifka
ee dagaal sokeeyena jab iyo halaag uun laga dhaxlo.Dagaal wiilbaa ku
dhinta ama ku naafooba ee wiil kuma dhasho!
Sidaa darteed cidda keliya ee ka faai’idaysanaysaa waa Ibliis oo colaad
guun ah u haya Adamahaba, iyo cadowgeenna guud oo ah cadowga Somaliland.
Waxaannu Dawladda S/Land ka codsanaynaa inay waajibkeeda degdeg uga gudato
colaaddan sokeeye oo ay iyadoo la kaashanaysa Dawladda Ethiopia ay nabadda
gacan bir ah ku qabato; ergooyinka nabadayntana ay u fududayso taakulaynta
iyo arrimahooda xeerbeegtinimo.Dawladda waxa waajibaadkeeda ka mid ah
muquuninta cid kasta oo u muuqata gardiid ama fidmawale iyo hubinta
fulinta go’aamada kasoo baxa heshiisyada kama dambaysta ah ee la wada
saxeexo.
Ugu dambayn Jaaliyadda Reer Somaliland ee UK , waxa ay u ololaynaysaa inay
suurtageliso sidii loogu diri lahaa odayaal iyo waxgarad degdeg ugu
gurmada hawlaha nabadaynta ee jiidaha colaaddu ka oogantahay; annagoo soo
jeedinayna in daminta colaaddan aan loo kala hadhin, oo yar iyo wayn,gude
iyo dibadba loo qalabqaato.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Xubnaha baaqan saxeexay :
1.Ismail Omer Aden ( Boss)
2.Suleiman Cumar Ku-Joog
3.Abdalla Alifdoon
4.Abdiqani Osman Sabban
5.Mohamed Abdillahi Absiiye
6.Mohamed Kahin Ahmed
7.Aqli Nur Galaid
8.Abdi Hussein Abdillahi(Hadka)
9.ALI Omer Doob-Ilkoole
10.Farah Hassan Jagac
11.Jama Abokor Mohamed
12.Osman Farah (Ciiro)
13.Osman Abokor Mohamed
14.Suleiman Nugal
15.Yusuf Ismail Hassan
16.Mohamed Yuusuf Liiban
17.Suleiman Dirir Abdi
18.Abdulhamid Ali Muse
19.Ahmed Muse Gedi(Sanjab)
20.Ismail Shombe
21.Hussein Alifdoon
22.Mohamed Yonis Awale
23.Mohamoud Hassan Good
24.Ahmed Yousuf
25.Said Jama (Ilka Wayne)
26.Mohamoud Abdi Duale
27.Ahmed Hassan Abdi(Arwo)
28.Jama Haibe
Top
|