Tacsi
Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo
Dacwadda Suxufiyiinta
Haatuf Ku Dhegeysatay Mandheera Iyo Muuqaalkii Madasha
Dhegeysiga Dacwadda
BADHEEDHAHA: Go’aanka Ay Maxkamadda
Sare Ku Laashay Xeerka Saxaafadda, Wuxuu Hordhac U Yahay Laba Khatarood
Dabaylaha Siyaasadeed Ee Ka Dhacaya
Gobolka Awdal,
Shir-Doceedyada Beelaha Ee Isu Bulladay Iyo culayska Siyaasadeed Ee Fuulay
Maamulayaasha
Xukuumadda
Warbixin – Weriye Haashim Good Oo Ka Tirsan Awdalnews
Madaxweyne Rayaale Oo Mar Kale
Komishanka
Doorashooyinka Ka Dalbaday Inay Xilka Si Degdeg Ah Ugu Wareejiyaan
Masuuliyiin Xukuumaddiisa Ka Tirsan
Gudoomiyeyaasha Labada Gole Ee
Baarlamaanka Oo Ka
Waramay Xaaladdii Colaadeed Ee Daroor Iyo Sidii Ay Itoobiya
Ula Wareegtay Hawshii Nabaddeynta
Kooxdii U Horeysay Ee Ciidamada
Nabad-ilaalinta Somalia Oo
Soo Gaadhay Baydhabo
Hargeysa: Odayaasha Xaafadda
Axmed-Dhagax Oo Ku Baaqay In Dayac-Tir Lagu Sameeyo Dugsiga Ex-Xalane
DALJIRE:
“Masar baan Aqal Weyn kaaga Muujin lahaa”
By A. Geeljire
Dawladda Yemen Oo Shaaca Ka Qaaday In
Sheekh Shariif
Ka Qayb-Gelayo Dib U Heshiisiinta Somalia
|
|
Yusuf Cabdi Gaboobe, Eng. Bashe Cabdi
Gaboobe iyo Jamal Cabdi Gaboobe waxay ka tacsiyadaynayaan Dr. Cabdishakur
Sh. Cali Jawhar geeridii hooyadi. Waxaanu ilaahey ka baryayna inuu
naxariisti jannat al-Firdaws ka waraabiyo marxuumada. Ehelki iyo qaraabadi
ay ka tagteyna samir iyo iman. Inna Lillah wa-Inna Ilayhi Raajicuun. Top
Maxkamadda
Gobolka Hargeysa Oo Dacwadda Suxufiyiinta
Haatuf Ku Dhegeysatay Mandheera Iyo Muuqaalkii Madasha
Dhegeysiga Dacwadda |
“Annagu Inta Garsoor Dhex Ah La Helayo Waxba
Is-Difaaci Mayno Ee Xukunka Aad Sidato
Nagu Rid”
“Aniga Habeen Madow Ayaa Magaaladaydii La Iga Soo Afduubay Oo Meel Aan
Joogaba
Garan Maayee, Maxaan Is-Difaacaa”
Hargeysa, March 2, 2007 (Haatuf) – Dacwadda ay Xeer Ilaalinta Madaxweyne
Rayaale ku
oogayso suxufiyiinta Haatuf ayey shalay Maxkamadda Gobolka Hargeysa markii
saddexaad ku dhegeysatay Mandheera. Waxayna taasi ka dambaysay ka dib
markii ay
Maxkamadda Sare Salaasadii todobaadkan soo saartay qaraar ay ku laalayso
ku
dhaqanka xeerka saxaafadda, isla markaana ay garsooraha gacanta ku haya
dacwada
suxufiyiinta Haatuf ku amrayso inuu xukun deg deg ah ka soo saaro dacwada,
sidaa
darteed Khamiistii shalay ayuu garsooraha ka gar-qaadaya dacwadda ay xeer
Ilaalinta
madaxweyne Rayaale ku oogayso suxufiyiinta Haatuf tegay Mandheera, kuna
dhegeystay
dacwadda lagu oogayo suxufiyiinta.
Waxa kale oo halkaa tegay dad aad u tiro badan oo isugu jira weriyayaal,
eheliyada iyo
asaxaabta maxaabiista, ururada xuquuqda aadamaha, oo isugu jira kuwa
wadani ah iyo
kuwo caalami ah iyo dad kale oo badan, waxaana dacwadaa la dhegeystay,
iyada oo
dhinaca suxufiyiinta Haatuf aanay jirin qareeno difaacayaa, waxaana halkaa
ka dhacay
sheekooyin dareenka dadka soo jiitay.
Weriyayaal ka tirsan Haatuf ayaa warbixin ka diyaariyey wixii halkaa ka
dhacay, waxayna
warbixintooda ku bilaabeen:-
“Abaaro 9:15 daqiiqo ayuu bilaabmay dhegeysiga dacwadu, wuxuuna ku
bilaabmay hool ku
yaal meel ku qabsan xabsiga Mandheera oo ah xarun lagu tababaro bileyska,
waxaana
dhegeysiga dacwada ka qayb galay dad aad u tiro badan oo isugu jira,
ehelada iyo
asaxaabta suxufiyiinta Haatuf, kooxo weriyayaal ah, ururada xuquuqda
aadamaha,
Mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo dad kale oo badan.
Waxa ka mid
ahaa dadka ka qayb galay dhegeysiga dacwada nin Gudoomiye ka ah urur
xidhiidhiya
ururada xuquuqda aadamaha bariga iyo Geeska Afrika, ninkaas oo magaciisa
la yidhaahdo
Xasan Shire iyo gabadh agaasime ka ah isla ururkan oo magaceeda la
yidhaahdo Noura
Rahma una dhalatay dalka Germany.
Markii maxaabiista suxufiyiinta Haatuf oo kala ah Yuusuf Cabdi Gaboobe,
Cali Cabdi Diini
iyo Maxamed Cumar Sheekh lagu soo xereeyey hoolka dacwadooda lagu
dhegeystay wax
yar ka dib waxa ka soo daba galay laba nin oo ka socda xafiiska xeer
ilaalinta, kuwaas oo
ah raggii dacwadda ku oogayey suxufiyiinta Haatuf, wax yar ka dib waxa
isna ka soo daba
galay garsoorihii dacwada qaadayay oo magaciisa la yidhaahdo Faysal C/laahi
Ismaaciil,
ka dibna Garsooruhu wuxuu ku fadhiistay kursi iyo miis yar oo horyaala,
wuxuuna ku
dhawaaqay inay maxkamaddu furan tahay, qoladii Xeer Ilaalinta ee dacwada
oogaysay
ayaa iyaguna ku soo fadhiistay laba kursi iyo miis yar oo yaal meel u dhaw
garsooraha.
Sidoo kale waxa iyaguna meel waxoogaa u jirta halka garsooruhu fadhiyo la
fadhiisiyey
saddexdii maxbuus.
Markii ay maxkamaddu furantay ayuu garsooraha dacwadda qaadayey weydiiyey
suxufiyiinta su’aal ahayd “meeye qareenadiinii idin difaacayey, miyaad ka
maarranteen?”,
ka dibna Yuusuf Cabdi Gaboobe oo ka mid ah maxaabiista ayaa ku jawaabay
“Haa, waanu
ka maarranay”. Ka dibna garsoorihii ayaa haddana weydiiyey, ma idinkaa is-difaacaya
waxaanu Yuusuf markale ku jawaabay, “Maadaama ay Maxkamaddii gobolka, tii
rafcaanka
iyo tii sareba laaleen xeerkii saxaafadda, isla markaana garsoorkii noqday
mid gacanta ugu
jira cid, oo gaar loogu adeegayo, Daahir Rayaalena ku tumanayo Dastuurkii
iyo
qawaaniintii dalka u taalay, ma jirto wax aanu iska difaacnaa ilaa inta
laga helayo garsoor
cadaalad ah oo loo siman yahay”.
Intaa ka dib garsoorihii dacwada qaadayey wuxuu Xeer ilaalinta ku amray
inay keenaan
markhaatiyadii, waxayna markhaatiyadaasi ka hadleen baabuur uu Wargeyska
Haatuf hore
u qoray, kuna xidhiidhiyey fadeexado musuq-maasuq, waxaana meesha laga
sheegay
maqaalo uu marar kala duwan Wargeyska Haatuf qoray, oo uu ku dhaliilayo
siyaasadaha
hogaamineed iyo maamul ee xukuumadda madaxweyne Rayaale.
Maxkamadda dacwadda qaadaysay waxay ahayd maxkamadda gobolka Hargeysa,
laakiin
meesha dacwada lagu qaadayey waxay ka tirsan tahay gobolka Saaxil.
“Markii ay taariikhdu 02/01/2007 abaaro afartii galabnimo ayaa waxa amar
la igu siiyey
inaan tago xarunta Haatuf inta aan kaxaysto askar iskugu jirta dhar-cad
iyo kuwo lebisan,
halkaana aan ka soo kaxeeyo tifaftiraha Haatuf, kaas oo maqaalo aanu marka
horeba
baadhistooda aanu gacanta ku haynay baahinayey ilaa November 2006, markii
aanu
halkaa tagnay waxaanu ugu tagnay Yuusuf oo xafiiska shaqaalaha Wargeyska
hortaagan,
waxaanu u sheegnay inaanu doonayno tifaftiraha, waxaanu na weydiiyey
maxaad ka
doonaysaan, waxaanu ku nidhi, xafiiska baadhista dambiyadda CID-da ayaa
laga
doonayaa” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah markhaatiyadii Xeer Ilaalintu
keentay.
Waxayna guud ahaan markhaatiyadda maxkamadu dhegeysatay maalintii shalay
ahaayeen saddex qof, iyadoo weriyayaasha Haatuf lagu eedaynayey maqaalo ku
soo
baxay Wargeyska Haatuf.
Markii la dhegeystay markhaatiyadii ay Xeer ilaalintu waday, waxa uu
garsooraha dacwada
qaadayey markale weydiiyey suxufiyiinta Haatuf, maxaad iskaga difaacaysaan
eedaha la
idiin soo jeediyey, waxayna ku jawaabeen “Annagu marka aanu helno garsoor
loo siman
yahay ayaan wax iska difaaci karnaa, markaa iska wado oo waxaad doonayso
xukun,
annagu wax aanaan cadayn karayn maanu qorin, isla markaana maqaal walba
macluumaadkiisii waanu raacinay, laakiin waxa aan wax iska difaaci karnaa
marka la helo
garsoor dhex ah, imikase annagu iskama difaaci karno dawlad dhan oo
awoodeedii iskugu
kaaya geysay, maca garsoor, macal wax walba, markaa imika xukunka waad
haysaay’e
nagu rid”.
Maxamed Cumar Sheekh weriyaha Haatuf ee Boorame oo uu Garsooruhu weydiiyey
waxa
uu iskaga difaacayo eedaymaha loo jeediyey ayaa ku jawaabay “Aniga habeen
madaw
ayaa magaaladaydii la iga soo afduubay, oo meel aan joogaba garan maayo,
ee maxaan
is-difaacaa, ee ku noogu dhakhso oo nagu rid xukunka ilayn waad
haysataay’e”.
Ka dib Garsoorihii ayaa Xeer Ilaalinta ku amray inay soo gebagabayso
dacwada, laakiin
waxoogaa biririf ah ayaa la qaatay hoolkii ayaa dabada looga baxay,
dabadeedna markay
halkaa maraysay ayuu mid ka mid ah askartii hoolka ku jirtay dhirbaaxay
nin weriye ah oo
ka mid ah weriyayaashii meesha tegay, doonayeyna inuu la kulmo maxaabiista,
ka dibna
waxa halkaa ka dhashay waxoogaa buuq iyo sawaxan, dacwadiina halkaasi ayey
ku
xidhantay. Inkasta oo aanu garsooruhu hoolkii kaga dhawaaqin waqtiga dambe
ee dacwada
la dhegeysan doono, haddana waxa laga soo sheegay inuu sabtida soo socota
dib loo
dhegeysan doono.
Goobta dacwadu ka dhacaysay ayaa amaankeeda aad loo adkeeyey, dadkana
meesha
tagayna rag iyo dumarba waxa lagu samaynayey baadhis, iyada oo laba
meelood oo kala
duwan lagu baadhayey, waxaana la sameeyey kaantarool qiyaas 1km u jira
meesha
dacwada lagu qaadayo oo lagu baadho gaadiidka iyo dadkaba. Waxaana dadka
laga
reebayey wixii qalab ah ee sida telefoonada gacanta iwm. Top
BADHEEDHAHA:
Go’aanka Ay Maxkamadda Sare Ku Laashay Xeerka Saxaafadda, Wuxuu
Hordhac U Yahay Laba Khatarood |
Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa 25-kii
bishii ina dhaaftay ee Febaury, 2007 soo
saartay go’aan ay gebi ahaan-ba ku laashay ku dhaqanka xeerka saxaafadda,
waxayna ku
tilmaantay xeerka saxaafadda mid aan ku dhisnayn asal sharci, caqli, cilmi
iyo masuuliyad
midna.
Go’aanka Maxkamadda ka sare ka soo baxay ee lagu laalay xeerka saxaafadda
waxa ka
fadhiistay Juuri dhan oo maxkamadeed (Guddi garsoorayaal ah) sidii
Juuriyadii ku
dhawaaqi jiray natiijooyinkii doorashooyinka oo kale, taasina waxay u
muuqataa inay
Maxkamadda sare ku nuux-nuuxsatay inaan dib dambe loo soo hadal-qaadin ku
dhaqanka
xeerka saxaafadda.
Inkasta oo ay dad badani rumaysan yihiin inuu qaraarka lama filaan ah ee
ay Maxkamadda
sare soo tuftay uu dabada ku hayo cadaadis kaga yimi dhinaca madaxtooyada,
hadana
go’aanka ay Maxkamadda sare ku laashay ku dhaqanka xeerka saxaafadda waxa
uu soo
baxay dhawr maalmood ka dib markii uu madaxweyne Rayaale koox suxufiyiin
Somaliland
ah oo ururka SOLJA ka tirsan u sheegay inuu diyaar u yahay ku dhaqanka
xeerka
saxaafadda, sidoo kale go’aanka Maxkamadda sare waxa kale oo uu ku soo
beegmay xilli
ay golaha wakiiladu gacanta ku hayaan ajande ay dulucdiisu tahay sababta
loogu
dhaqmi-waayey xeerka saxaafadda.
Dacwadda Maxkamadda gaadhay waxay ahayd racfaan laga soo qaatay
maxkamadaha
hoose ee gobolka iyo Racfaanka Hargeysa, kuwaas oo soo saaray qaraaro
odhanaya
dacwadda suxufiyiinta kuma dhaqayno xeerka saxaafadda ee waxaanu ku
dhaqaynaa
xeerka ciqaabta. Hase yeeshee Maxkamadda sare waxay soo saartay qoraal
sagaal bog
ah oo ay ku difaacayso xeerka ciqaabta, kuna daadefaynayso xeerka
saxaafadda
Somaliland.
Su’aasha hadaba iswaydiinta lihi waxay tahay xeerka saxaafadda ee ay
Maxkamadda sare
laashay xagee buu ka yimi, xeerkase ciqaabta ee ay mudnaanta siisay xagee
buu isna ka
yimi.
Xeerka saxaafadda (Xeer Lr.27/2004) waxa uu ka soo baxay golayaasha sharci
dejinta, isla
markaana waxa saxeexay madaxweynaha Somaliland, waxaana loogu talo galay
in lagu
dhaqo suxufiyiinta iyo hawsha saxaafadda, isla markaana waxa laga soo
dheegtay
dastuurka Somaliland oo damaana-qaadaya mabaadi’da xoriyatul-ka iyo
madax-banaanida
saxaafadda, taas darteedna waxay dad badani iswaydiinayaan shuruuc iyo ku
dhaqankeed
toona ma jirayaan mar hadii ay dhacday in si hawl yar loo tirtiro xeer ka
soo baxay
golayaashii xaqa u lahaa inay dejiyaan shuruucdii dalka iyo dadka lagu
dhiqi lahaa.
Waaxda garsoorka waxa uu dastuurku xaq u siinayaa inay fasirto iyo inay
talooyin ka
bixiyaan hadii qoddobo dastuurka ka mid ah ama xeerka kale ka mid ah lagu
murmo,
laakiin ma jirto meel uu dastuurku awood ugu siiyey inay gebi ahaan-ba
tirtiro karto xeer
dhan oo ka soo baxay ciddii uu dastuurka dalka u yaal xaqa u siiyey inay
shuruucda iyo
xeerarka dalka lagaga dhaqmayo dejiyaan.
Hadii xeer jira oo baarlamaan ka soo baxay loo arko inaanay qoddobo ka mid
ahi
dabakhayn baahiddii loo samaystay ama qabyo laga dareemo waxa uu sharcigu
jiddaynayaa inay cid xaq u lihi wax ka bedelkiisa soo jeediso, ka dibna
dib loogu soo
celiyo baarlamaanka, laakiin dad badan way ku cusub tahay siddan ay hadda
wax u
dhaceen.
Xeerka saxaafaddu wuxuu damaano-qaadayaa inaanu suxufiga iska xidhan karin
ciddii ama
masuulkii uu wax ka qoray ee dhaliilihiisa ama ceebihiisa maamul farta ku
fii qay ee uu
taa bedelkeedu noqdo in suxufiga ciddi wax ka tirsata dacwaddiisa iyo
qabashadiisaba loo
maro dariiq sharci ah iyo inay suxufiga wax qoray iyo masuulka wax laga
qoray hadii ay
dacwaddi meesha timaaddo ay u sinnaadaan sharciga hortiisa, taas oo
macneheedu
yahay inaanu askari fulinaya keliya amar ka soo baxay masuulkii wax laga
qoray sida uu
doono ugu tacaddiyin suxufiga ama xarunta saxaafadda, taas oo hore u
daashatay
suxufiyiinta reer Somaliland, ahaydna baahiddii keentay in la abuuro
xeerka saxaafadda
Somaliland ee maanta jira, waayo suxufigu hadii uu ka baqayo xadhig iyo
ciqaab kuma
dhiirranayo inuu farta ku fiiqo ceeb ama dhaliil meel taal.
Maxkamadda sare qaraarkeeda ay ku laashay xeerka saxaafadda kuma ay xusin
qoddob
keliya oo dastuur ah oo uu xeerkaasi ka hor-imanayo, waxaana kelmadaha
qoraalka
Maxkamadda sare ku jiray ka mid ahaa “maxkamadda waxaa u cadaatay inaanu
xeerka
saxaafaddu kama iman asal sharci oo la raaco, aqoon cilmiyana aanu ku
dhisnayn ama
macne iyo marin maamul oo masuuliyadeed oo madaxnimo u xilsaaran” , hase
yeeshee
taa bedelkeeda Maxkamaddu waxay qoraalkeeda ku amaanaysaa xeerka ciqaabta
(Penal
Code), waxaana weedhaha ay arintaa kaga hadashay ka mid ahaa “Sharciga
ciqaabta
guud guud oo ku cad nusuusta shareecadda islaamka iyo dhamaan shuruucda
samaawiga
ah, qoddobada dastuurkuna waafaqsan yihiin ku dhaqankiisa, sharci
nasakhayna ma jiro
oo la ogyahay”.
Xeerka ciqaabta ee ay Maxkamadda sare ku tilmaantay inuu salka ku hayo
shareecadda
islaamka waxa markii u horaysay laga soo dheegtay dastuur sannadkii
1930-kii lagu dhaqi
jiray Somaliyaddii Talyaanigu gumaysan jiray, waxaana guud ahaan
dastuurkaa lagu dhiqi
jiray dalalkii Afrika iyo Aasiya ee ay gumaysan jireen dawladihii
gumaystayaasha ee reer
galbeedku. Hase yeeshee sannadkii 1962-kii ayaa wax ka bedel lagu sameeyey,
wuxuuna
baarlamaankii Somaliya ee xiligaasi ansixiyey 16-kii Diisambar, 1962-kii,
waxaana
dhaqan-galkiisa saxeexay madaxweynihii iyo Ra’iisal-wasaarihii xiligaa ee
Jamhuuriyaddii
Soomaaliyeed, Aadan Cabdulle Cismaan iyo C/risaaq X. Xuseen.
Dastuurka laga soo dheegay xeerka Baaniyaalka ee ciqaabta waxa intii aan
baarlamaanka
la horkeenin soo diyaariyey Komishan gaar ah, waxaana komishankaa madax ka
ahaa nin
la odhan jiray Renato Angeloni oo ay dhalashadiisu ahayd Talyaani, isla
markaana buugga
Penal Code-ka waxa lagu soo daabacay magaalada Millano ee dalka Talyaaniga,
weliba
waxa xusid mudan in markii la ansixinayey dastuurka Penal Code-ka inaanay
dadka reer
Somaliland u coddayn. Hase yeeshee xeerka saxaafadda Somaliland waxa soo
diyaariyey
komishan isugu jira xubno suxufiyiin, xubno golaha wakiilada ah, xubno
sharci yaqaano ah
iyo weliba wasiirkii warfaafinta ee xiligaa, dhamaantoodna waxay ahaayeen
dad reer
Somaliland ah. Intaa ka dibna waxa la horgeeyey golayaasha sharci dejinta
Somaliland
(Wakiilada & Guurtida) oo uu gole waliba dhinaciisa uga dooday, ka dibna
cod aqlabiyad
ah ku ansixiyey, intaa ka dibna madaxweynaha oo daw u lahaa inuu dib u soo
celiyo hadii
uu wax dhaliil ah ama dastuurka iyo shareecadda islaamka khilaafsan ku
arko ayaa isna
dhaqan-galkiisa qallinka ku duugay, waxay markaa iswaydiintu tahay ma
xeerka Penal
Code-ka ee uu soo diyaariyey gaalka Talyaaniga ah Mr. Renato Angeloni
ayaan la
garanayn halka uu ka soo jeedo asalkiisa sharci, mise xeerka ay soo
saareen
baarlamaanka iyo madaxweynaha hogaamiya dalka iyo dadka ay Maxkamadda sare
u
dhisan tahay ayaan la garanayn asalkiisa, taa macneheedu muxuu noqonayaa.
Weliba qoddob ka mid ah dastuurka dalka u yaal ayaa dhigaya in xeerarka
Penal Code-ka
lagu sii dhaqmayo inta ay xeerarka loo baahan yahay ee dalku ka soo
baxayaan
golayaasha sharci dejinta, xeerkii soo baxaana uu meesha ka saarayo
xeerkii Penal
Code-ka ee hore loogu dhaqmi jiray.
Waxa iyana aqoon sharci oo gabowday u muuqata in loo fahmo inaanu xeer
noqon karin
hadii aanay qoddobadiisa u horeeyaa sheegayn xadhig iyo ciqaab.
Ma aha wax cusub in markasta oo ay Maxkamadda sare hortimaaddo dacwad u
dhexaysa
madaxtooyada ama madaxweynaha iyo cid kale inay wax waliba u dhacaan sida
uu
madaxweynuhu rabo ama ay xukuumaddiisu rabto, laakiin marka aad eegto
go’aankeeda u
dambeeyey ee ay ku laashay xeerka saxaafadda, laba waxyaalood ayaad moodaa
inay
dad badan maskaxdooda ku reebtay waxoogaa gocasho ah, labadaa arimood-ba
waxay
kala yihiin, marka hore la isma lahayn Maxkamadda sare waxay qunyar iska
tir-tiraysaa
xeer ka soo baxay golayaasha sharci dejinta, ta labaad oo ah gudoomiyaha
cusub ee
Maxkamadda sare oo ay dad badani rumaysnaayeen inuu yahay ku dhiirran kara
wax ay
ku dhiirran-waayeen gudoomiyayaashii tirada badnaa ee kursiga ugu horeeyey,
laakiin
durba u muuqda inuu go’aankani saamayn weyn ku yeellan doono sumcaddiisa.
Marka la isku soo ururiyo go’aankan ay Maxkamadda sare ku dhacday inay
tirtiro xeer
qaran oo ka soo baxay golayaasha sharci dejinta dalka waxa uu hordhac u
yahay ugu
yaraan laba khatarood oo aan sahlayn, kuwaas oo kala ah: ka hore inuu jiro
qorshe soo
fool leh oo waqti aan fogayn loogu badheedhi doono in afka xanjo laga
saaro
xoriyatul-qawlka iyo madax banaanida saxaafadda iyo ta labaad oo ah inay
suurtagal
doonto in xeer ama qaynuun kasta oo ay madaxweyne Rayaale iyo
xukuumaddiisu u
arkaan inaanu anfacayn in si hawl yar loo tirtiro ama loo laalo, taasina
ay meesha ka
saarto doorkii xeer-dejinta iyo xuquuqdai xoriyadda hadalka oo ah sedka
ugu weyn ee lagu
majeerto Somaliland. Top
Dabaylaha
Siyaasadeed Ee Ka Dhacaya Gobolka Awdal,
Shir-Doceedyada Beelaha Ee Isu Bulladay Iyo culayska Siyaasadeed Ee
Fuulay Maamulayaasha
Xukuumadda
Warbixin – Weriye Haashim Good Oo Ka Tirsan Awdalnews |
Boorama, March 2, 2007 (Haatuf) –
Toddobaadadii u dambeeyay waxaa gobolka Awdal si
weyn looga dareemay dabaylo siyaasadeed oo u dhacaya jihadda isbedel
doonka,
waxaana meelo kala du-duwan oo gobolka Awdal ah sanqadhoodu ka socotaa
shirar-doceedyo ay gooni-gooni u kala yeelyeelanayaan qabaa’ilka iyo
beelaha reer Awdal.
Waxa kale oo iyana jirta cabsi dareemadaa ka soo waajahday xukuumadda
Madaxweyne
Rayaale haddii ay tahay heer gobol iyo haddii ay tahay heer qaranba,
waxaana socda
dhaqdhaqaaqyo ay wadaan maamulayaasha xukuumaddu oo ay ku baadi-goobayaan
sidii
ay u damin lahaayeen dabaylaha siyaasadeed ee ka dhacaya gobolka, iyadoo
ay dhawaan
gobolkaas booqdeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Rayaale oo
ujeedada
socdaalkoodu ahayd sidii ay u damin lahaayeen guuxa iyo dabaylaha
siyaasadeed ee ka
sanqadhaya gobolka Awdal.
Weriye Haashim Good oo ka tirsan Shebekadda wararka ee Awdalnews, ayaa
warbixin ka
diyaariyay arrimahaa, wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay:
“Waxaa muddooyinkan dambe gobolka Awdal ku soo kordhayay shirar-doceedyo
gooni-gooni ah oo ay qabsanayaan beelaha iyo qabaa’ilka reer Awdal,
waxaana
mudooyinkan dambe isa soo tarayay guux iyo cabashooyin siyaasadeed oo ay
dadka reer
Awdal kaga dayrinayaan waxtarka xukuumadda, waxaana kor u sii kacaya
dareemada
isbedel doonka ah.
Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan kuwa u dhashay gobolka
ayaa
dhowaanahan socdaal ku imanayay gobolka Awdal, waxaana socdaaladoodaa
ujeedadooda lagu tilmaamay mid ay ku doonayaan sidii ay u damin lahaayeen
dabaylaha
siyaasadeed ee gobolka hadheeyay, iyadoo ay dhinaca Xukuumaddana soo food-saartay
dareen cabsiyeed oo ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka.
Wasiirada socdaalada ku imanaya gobolka waxay dadka qaarkii ku tilmaameen
inay
socdaaladoodu hordhac u yihiin diyaar-garow ay xukuumaddu u
diyaar-garoobayso olole
iyo tartan siyaasadeed oo cusub. Dhinaca kalena waxaa gobolkaa
dhaqdhaqaaqooda laga
dareemayaa siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaal kala duwan oo ka kala yimid meelo
kala
du-duwan, kuwaas oo la rumaysan yahay inay dabada ka wadaan
dhaqdhaqaaqyada
siyaasadeed iyo shir doceedyada ay beeluhu wadaan, isla markaana waxa la
aaminsan
yahay inay kooxahan cusub ee dhaqdhaqaaqyada siyaasadda iyo shirarka
beelaha daaha
dibadiisa ka hagayaa ay hordhac u yihiin dabaylo siyaasadeed oo u dhacaya
jihada
isbedel-doonka.
Wasiir ka tirsan wasiirada Xukuumadda ee dhowaan socdaalka gobolka ku
yimid ayaa ka
dhawaajiyay wax uu ugu yeedhay inay jiraan dabino meelo kale laga soo
maleegay oo lala
damacsan yahay Somaliland oo uu gobolka Awdalna ka mid yahay meelaha lala
damacsan yahay. Hase yeeshee socdaalada iyo hawl-galada ay wasiirada iyo
madax kale
ee xukuumaddu ku yimaadeen gobolka ma noqon mid demisa guuxii jiray ee
waxay
noqotay mid kor u sii kicisa dareenkii jiray iyo taageerada ay dadweynuhu
u hayaan
dhinaca isbedel-doonka, waxaana ka horyimid madaxda Xukuumadda dareemo
diidmo ah
oo gaashaanka loogu daruurayo waxyaalaha ay la shir-yimaadaan madaxdaasi.
Wasiirada iyo madaxda kale ee gobolka booqashada ku yimaadaa waxay dadka
ku
beer-laxawsadaan inay xukuumaddu waxyaalo badan u qaban doonto, laakiin
waxay dadku
taas kaga jawaabaan inaanay Xukuumadda maanta jirta wixii ay hore uga
waayeen aanay
ka helayn muddada yar ee u hadhay.
Shir-doceedyada gaar-gaarka ah ee beelaha reer Awdal oo la rumaysan yahay
inay inta
badan salka ku hayaan talooyin iyo is-diyaarin siyaasadeed, ayaa dareen
cabsi iyo walaac
leh ku beertay maamulka dawladda ee gobolka Awdal, waxaana maalmihii ina
dhaafay ay
maamulayaasha dawladdu inta ay ishayn kari waayeen madax-madax ugu dhex
dhaceen
shir beel ka mid ah beelaha bariga gobolka Awdal uga socday degaankaas,
waxayna
madaxdaasi dadkii halkaas ku shirayay la dhex tageen hadalo ay ka mid
yihiin
“Xukuumaddu doorkan aad bay idiinku baahan tahay oo la idinkama maarmo”
iyo hadalo
kale oo xod-xodasho siyaasadeed ah.
Dadka ay madaxda dawladdu hadaladaas ka leedahay waa dad aad u dayacan oo
aan
haysan adeegyadii bulshada ee ay u baahnaayeen, waxayna u badan yihiin
dadkii dib
looga soo celiyay xeryaha Qaxootiga ee dalalka deriska, waxaana baahiyaha
haysta ee
muuqda ka mid ah; dugsiyadii ay carruurtu wax ugu baran lahaayeen oo
dunsan,
macalimiin la’aan iyo dhammaan adeegyadii aasaasiga ahaa oo meesha ka
maqan,
kadibna halkii baahiyahoodaa wax laga qaban lahaa ayay masuuliyiinta
dawladdu la
dhex-tegayaan olole iyo xod-xodasho siyaasadeed oo lagu maaweelinayo
waxbaa la idiin
qaban doonaa.
Marka aad eegto dareenka dadka reer Awdal, waxaa muddooyinkan dambe si
weyn u
muuqda kalsooni-darro soo kordhaysa oo ay bulshada reer Awdal ka qabaan
Xukuumadda
hadda jirta, waxayna u arkaan xukuumad aan ka war-qabin oo indhaheeda ka
jeedisay
gobolka Awdal iyo dadka ku dhaqan.
Dabeecad ahaan dadka reer Awdal, ma aha dad hadal kor u qaada oo buuq iyo
sawaxan
badan leh, waxaana u dhaqan ah inay si diblomaasiyadu ku badan tahay wax
walba isu
gaadhsiiyaan, sidaas darteed inta badan marka aad dadka reer Awdal wax ka
weydiiso
xaaladda iyo wacyiga siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay waxay ku
siinayaan
jawaab kooban oo ay si fiican uga muuqato saluugga siyaasadeed ee ay
qabaan.
Wakhtigan xaadirka ah dadka reer Awdal, waxay inta badan hadal-hayaan ama
ka
faaloonayaan arrimaha cusub ee wakhtigan xaadirka ah ka aloosan
Somaliland, sida
mooshinada iyo go’aamada horyaal golaha Wakiilada, suxufiyiinta xidhxidhan,
arrinta
Komishanka ee xiisadu ka taagan tahay iyo arrimo kale, waxayna saluug weyn
ka
muujiyaan xeeladaha madhan ee ay xukuumaddu damacdo inay iskaga caabido
duufaanada siyaasadeed ee ku yimaada.
Inta badan dadka indheer-garadka ah ee falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa
golaha
wasiirada ee ku gedaaman Madaxweyne Rayaale waxay ku tilmaamaan kooxo
daacaddu
ku yar tahay, haba ugu sii darnaadeen xubnaha ka soo jeeda gobolkiisa oo
lagu tilmaamo
kuwo ay khibradooda siyaasadeed hoosayso, marka laga reebo wasiirka
Xidhiidhka
Goleyaasha Cabdi Xasan Buuni oo isagu wakhti dheer siyaasadda ku soo jiray,
wasiiradaasna waxa lagu tilmaamaa kuwo aanay rabitaankooda iyo kartidoodu
ka badnayn
sidii ay kursigooda u ilaashan lahaayeen oo keliya, balse aan la gole iman
siyaasado iyo
waxqabad firfircoon oo ay bulshada ku waajahaan.
Marka laysku soo ururiyo waxay u muuqataa inay gobolka ka dhacayaan
dabaylo
siyaasadeed oo u janjeedha dhinaca isbedel-doonka, isla markaana uu sii
gudhayo xiisaha
loo qabo Xukuumadda maanta jirta, inta badanna dadku kama filayaan inay
wakhtiga yar
ee u hadhay wax cusub soo kordhinayso.” Top
Madaxweyne
Rayaale Oo Mar Kale Komishanka
Doorashooyinka Ka Dalbaday Inay Xilka Si Degdeg
Ah Ugu Wareejiyaan Masuuliyiin Xukuumaddiisa Ka Tirsan |
“Haddii Aad Xilka Wareejin waydaan Sharciga
Ayaa Laydinla tiigsan Doonaa” Hargeysa, March
2, 2007 (Haatuf) – Sida ay sheegeen warar ka soo baxay ilo xog-ogaal ah
oo u dhuun-daloola xarunta Madaxtooyada, Madaxweyne Rayaale ayaa shalay
mar kale
Guddida Doorashooyinka Qaranka u diray qoraal uu ku war-gelinayo inay
xilka si degdeg
ah u wareejiyaan, iyadoo la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale qoraalkiisa
raaciyay in
haddii ay komishanku degdeg u wareejin waayaan xilka laga qaadi doono
tallaabo sharci
ah.
Sida ay wararka xog-ogaalka ahi sheegeen Madaxweyne Rayaale waxa uu
qoraalkiisa ku
sheegay inay Komishanka Qaranku xilka ku wareejiyaan xukuumaddiisa ka
tirsan oo kala
ah Hanti-dhawraha Guud, Xisaabiyaha Guud iyo Gudoomiyaha Hay’adda
Shaqaalaha
Dawladda, wuxuuna Madaxweyne Rayaale qoraalkiisa uu u diray Komishanka
Doorashooyinka Qaranka, sidoo kale ogeysiin siiyay dhinacyo ay ka mid
yihiin
Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wasiirkiisa Maaliyadda
Cawil Cali
Ducaale.
Bishii ina dhaaftay ee February badhtamaheedii ayuu Madaxweyne Rayaale
qoraal u diray
Guddida Doorashooyinka, wuxuuna ku wargeliyay inay xilka ku wareejiyaan
Agaasimaha
Maamulka ee xafiiska Doorashooyinka, hase yeeshee arrintaasi waxay layaab
iyo
ama-kaag ku noqotay inta badan dadka reer Somaliland iyo komishanka
laftiisaba,
waxayna Komishanku taas kaga jawaabeen qoraal milgo leh oo ay Madaxweyne
Rayaale
ugu sheegeen inaanay taasi daw iyo sharci toona ahayn, iyagoo sheegay inay
marka hore
xilka kala wareegi karaan guddi cusub oo doorashooyin oo ku soo baxay
sifihii sharciga
ahaa ee loo baahnaa, wuxuuse qoraalka Madaxweyne Rayaale soo baxay xilli
uu golaha
wakiilada Somaliland ka soo baxay go’aan ay muddo laba sannadood ah xilka
ugu
cusboonaysiinayaan Komishanka Doorashooyinka ee hadda jira.
Hase yeeshee habeenimadii Jimcaha ee toddobaadkii hore ayay Madaxweyne
Rayaale iyo
guddida Doorashooyinku yeesheen kulan ka dhacay Qasriga Madaxtooyada,
waxaanay
labada dhinac ka wada hadleen wixii dhacay, waxayna Komishanku war-saxaafadeed
ay
soo saareen Axadii toddobaadkan ku sheegeen inay Madaxweyne Rayaale isla
meel-dhigeen waxyaabihii ay ka wada-hadleen, isla markaana uu Madaxweyne
Rayaale
sheegay inuu sixi doono khaladaadkii uu qoraalkiisu xambaarsanaa. Waxaase
la sheegay
inuu qoraalkan dambe ee Madaxweynuhu u diray Komishanka Qaranku yahay mid
xambaarsan hanjabaad isaga oo sheegay in haddii ay guddida doorashooyinku
xilka
wareejin waayaan sharciga lala tiigsan doono. “Haddii aad u hogaansami
waydaan
[xil-wareejinta] sharciga ayaa laydinla tiigsan doonaa.”
Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka, Axmed X. Cali Cadami oo aanu xalay
telefoon
kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka warqadda uu Madaxweyne
Rayaale u soo
diray, hase yeeshee wuxuu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo
nuxurka ay
warqaddaasi xambaarsan tahay.
Sida la ogyahay komishanka doorashooyinku waa hay’ad madax banaan oo ka
garsoorta
arrimaha doorashooyinka, waxaana marka la dhisayo soo xula dhinacyo ay ka
mid yihiin
axsaabta mucaaridka, golaha Guurtida iyo Madaxweyne Rayaale, waxaana
sharciyeeya
Golaha Wakiilada, hase yeeshee golaha wakiiladu waxay dhowaan ganafka ku
dhufteen oo
celiyeen lix xubnood oo uu Madaxweyne Rayaale u soo gudbiyey, iyagoo
sheegay inaanu
Madaxweyne Rayaale soo marin xubnaha cusub dariiqii sharci iyo
masuuliyadii xulista ee
loo baahnaa iyo weliba inaanay dhammayn tiradii loo baahnaa, kadibna waxay
golaha
Wakiiladu soo saareen go’aan ay muddo laba sannadood ah xilka ugu
cusboonaysiiyeen
Komishanka hadda jira iyaga oo cuskaday xeerka Doorashooyinka oo awood u
siinaya
ansixinta iyo sharciyaynta Komishanka Qaranka.
Hase yeeshee, waxay u muuqataa inuu Madaxweyne Rayaale iska indha-tiray oo
aanu
dheg u jalaqsiin go’aanka golaha Wakiilada isla markaana uu damacsan yahay
in
Komishanka Doorashooyinka khasab kaga wareejiyo xilka, iyadoo aanay jirin
komishan
cusub oo abuuran, waxaanay warar xog-ogaal ahi sheegeen inay sidaas kula
taliyeen rag
ka mid ah golihiisa wasiirada iyo weliba shakhsiyaad ka mid ah golaha
Wakiilada.
Waxayna wararku intaas ku dareen inuu Madaxweyne Rayaale damacsan yahay in
marka
uu xafiiska ka saaro Komishanka uu hadhow xafiisyada fadhiisin doono
xubnaha uu
dhowaan magacowday ee Komishanka oo ay shaqada iska wadi doonaan iyadoo
aan laga
ansixin Golaha Wakiilada.
Xubnaha Komishanka Doorashooyinku ayaa markii ay la kulmeen Madaxweyne
Rayaale u
sheegay in hantida iyo dhokumentka ay gacanta ku hayaan uu yahay wax ka
dhexeeya
xisbiyada qaranka ee tartanku ka dhexeeyo iyo guud ahaan ummad-weynta reer
Somaliland, sidaas darteed ay sharci-darro tahay inay xisbiga xukuumadda
ee UDUB ku
wareejiyaan.
Sidoo kale, waxay Komishanka Qaranku Madaxweyne Rayaale u sheegeen inuu
soo
gaadhay go’aankii ay Golaha Wakiiladu xilka ugu cusboonaysiiyeen
Komishanka
Doorashooyinka, kaasna ay u arkaan sharci aan meel laga dhaafaa jirin. Top
Gudoomiyeyaasha
Labada Gole Ee Baarlamaanka Oo Ka
Waramay Xaaladdii Colaadeed Ee Daroor Iyo Sidii Ay Itoobiya
Ula Wareegtay Hawshii Nabaddeynta |
Hargeysa, March 2, 2007 (Haatuf)
Gudoomiyayayaasha labada gole baarlamaan Guurtida
iyo Wakiilada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo C/Raxmaan Maxamed C/laahi iyo
Wasiirka Duulista Hawada Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in dawladda
Itoobiya
ay ku taageersan yihiin go’aanka ay kula wareegtay hawsha dhex-dhexaadinta
labada
beelood ee colaadu ku dhexmartay deegaanada Daroor, iyagoo isla markaana
tilmaamay
in maamulka kililka shanaad ee Itoobiya ay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen
deegaanka
Daroor, iyagoo dhinaca kalena mahad weyn ugu soo jeediyey Beesha Isaaq oo
aan ku jirin
colaadii labada beelood dhexmartay.
Shirkan jaraa’id oo ay xalay wada jir ugu qabteen xarunta golaha Guurtida
ayaa waxa ugu
horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,
waxaanu
hadalkiisa ku bilaabay, “Gurmad balaadhan ayaa loo galay shaqaaqadii
Daroor ku
dhexmartay dadkeena ee shaydaanku ka dhex adeegay, lix maalmood ayaanu
joognay
deegaanka Daroor, markii aanu tagnayna waxaa si wanaagsan noogu soo
dhaweeyey
maamulka kililka shanaad ee Itoobiya oo uu hogaaminayey ku xigeenka
hogaanka
nabadgelyada ee maamulkaasi iyo saddex xubnood oo ka mida golaha Guurtida
ee Kililka
Shanaad oo uu ku jiray oday degan Xarshin ka socday, markii aanu is-aragnayna
waxaanu
isla soo qaadnay inaanu hawsha wada jir u wada qabano, labadii maalmood ee
u
dambeeyay ayuu jawigu isbedelay, waxaanay masuuliyiinta kililku naga
codsadeen in
hawsha xalinta loo daayo dawladda Itoobiya, iyadoo ay u muuqatay in
go’aankaasina uu
madaxda sare ee dawladda Itoobiya kaga yimid, runtiina dawladda Itoobiya
ciidamo kala
dhexgala labada beelood ayey keentay, xabad joojinta waa la sameeyey. Waxa
keliya ee
hadhsanaydna waxay ahayd nabadayntii, waxaanay noo sheegeen inay ergadii
dhex-dhexaadinta ahayd ka dhigayeen 30 xubnood, magaaladda Jigjigana ka
dhigayeen
madasha wada hadalka, maadaama ay tidhi dawladda Itoobiya anagu xil
qaadayna oo ku
filan xurguftii labadaa beelood anaguna waanu ugu ducaynaynaa, waxaanuse
kula
dardaarmaynaa in arrinta u gonda degaan oo ay si cadaaladda ugu garnaqaan
beelaha
walaalaha ah, taladaana way naga qaateen, ergadan labada beeloodna waxaanu
kula
dardaaranay inay iyagu xalka iyo dawada la yimaadeen, maadaama ay dawladda
Itoobiya
dhex-dhexaadinta qaadatay, run ahaantiina waxaanu hambalyo iyo bogaadin u
diraynaa
mawqifkii Shariifka ahaa ee ay Beesha Isaxaaq ka qaadatay colaadii labada
beelood dhex
martay oo aanay ka qayb gelin, balse ay iyagu gogosha iyo martigelinta
ergadii 450 ahayd
ee gurmadka u tagay ay iyagu maalgelinteeda iska lahaayeen, marka la eego
adhiga loo
qalayey maalintiiba ergadii kamuu yarayn 30 neef waxaanay mudan yihiin in
beesha
Isaxaaq lagu maamuuso doorkana shariifka ah iyo dhex-dhexaadinta ahaa ee
ay ka
qaateen colaadii labada beelood iyo suurgalnimadii ergooyinka gurmadka u
baxay,
waxaanay noo sheegeen inay sii wada doonaan martigelinta ergooyinka ilaa
Jig-jiga, waayo
arrinta ka dhacda Daroor xil weyn ayaa ka saaran wax ka qabashadeeda”.
Dhinaca kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/Raxmaan Maxamed C/laahi oo
isaguna
halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. “Markii aanu gaadhnay deegaanka Daroor
waxaanu isla
qaadanay maamulka Kililka Shanaad in tirada ergooyinka la soo koobo,
laakiinse go’aanka
ay dawladda Itoobiya sheegtay inay kula wareegayso xalinta iyo
dhex-dhexaadinta labada
beelood oo runtii markii uu na soo gaadhay filan waa nagu noqday, haddana
go’aankaasi
go’aan dawladeed ayuu ahaa, dhulka Itoobiyana iyagaa xukuma.
Waxaanay noo balan qaadeen inay xil weyn iska saari doonaan daryeelka iyo
ilaalinta
ergada labada beelood, anaguna waxaanu u sheegnay inaanu go’aankaasi
dawladda
Itoobiya raali ka nahay ay masuuliyada ku qaaday, ergo culus oo balaadhan
ayaana
meesha iskugu tagay, waxaana la odhan karaa marka aad eegto dadkii iskugu
tagay
golayaal xukuumadeed, axsaab shicib, madaxweynaha iyo madaxweyne ku
xigeenka oo
keliya ayuun baa ka maqnaa. Beesha Isaxaaq oo iyadu iska lahayd marti
gelinta wufuuda
ergooyinka, iyo haweenkii ergooyinka ka mid ahaaba, kana mahad ayaanu u
soo
jeedinaynaa, waxaanay ahayd talaabo xilkasnimo ah”.
Dhinaca kale, Wasiirka Duulista Hawada Cali Maxamed Warancade oo isaguna
halkaasi
ka hadlay ayaa yidhi. “Runtii wufuudii ergooyinka ahayd ee gurmadka ugu
baxay si ay u
kala badbaadiyaan dhiiga walaalahood labada beeloodna waxaa looga baahan
yahay inay
ergooyinkaasi ay ka farxiyaan, isla markaana ay soo afjaraan colaadii
dhexmartay
maamulka kililka shanaadna ee Itoobiyana waxay noo sheegeen in labada
beelood ay ka
dhalatay arrimo deegaan iyo maamul isla markaana ay iyagu la wareegeen,
tiina waxay
naga furteen si xun wax u sheeg sixir ka daran, waxa laga yaabaa in dadka
qaarkii ay ka
sheegeen go’aankii dawladda Itoobiya ay kula wareegtay xalinta arrintaasi
iyo sidii ay
noola dhaqantay, xaasha dawladda Itoobiya arrintaasi wax xumaan iyo fool
xumo ah
kalamaanu kulmin”.
Intaa ka dib su’aalihii halkaa lagu weydiiyey shirgudoonada labada gole
iyo Wasiirka
Duulista hawada oo ku koobnaa mashaqadii ka dhacday Daroor waxay u dhaceen
sidan:
S: Waxaa la sheegay in dawladda Itoobiya go’aankan ay kula wareegtay
dhex-dhexaadinta
labada beelood ay ka dhalatay wufuudii ergooyinka ahayd ee Somaliland ka
tagtay oo aan
nidaamsanayn iyo gaabis ay ka keentay xal u helida shaqaaqadii hore
arrintaasi maxaa ka
jira?
J: Gudoomiyaha Wakiiladda: Arrintu sidaasi maaha, dawladuhu waxay kala
leeyihiin
waajibaad iyo xuduudo kala gaar u ah, sidaa darteed maadaama dhulka ay
colaadu ka
dhacday uu yahay dhul Itoobiya ah,balse dadka ku dhaqan yihiin dad reer
Somaliland ah,
haddana maadaama go’aankan dawladda Itoobiya ku sheegtay inay iyadu u fara
dhuudhuuban tahay anaguna waxaanu u aragnay go’aan dawladeed oo u baahan
ixtiraam.
S: Golaha Guurtida Somaliland ayaa la sheegay in hawsha dhex-dhexaadinta
iyo
gurmadkii colaadani markii u horeysay ay ka gaabisay, oo xitaa waqtiga ay
ergada
Guurtidu baxday ayaa la sheegay inay dambaysay arrintaasi maxaad ka
leedahay, Gole
Guurti ahaan?
J: Gudoomiyaha Guurtida: Arrintaasi waxba kama jiraan, ergadii ugu
horeysay ee Daroor
tagtaana waxay ahayd weftigii golaha Guurtidu u saaray, shaqaaqadii halkaa
ka dhacday,
hadaan 82-ka Golaha Guurtida ka kooban yahay kuu sheegana 40 xubnood kama
yara
waxa shaqaaqooyin dalka ka dhacay, waxaanse kuu sheegayaa golaha Guurtida
waa laga
leeyahay xurgufaha ka dhaca dalalka kale oo Somaliland ayuu xil ka saaran
yahay.
Go’aanka dawladda Itoobiyana shaki gelin mayno, xumaana ka sheegi mayno,
wax
xad-gudubana ku samayn mayno, waananu ayidaynaa go’aanka ay qaadatay
dawladda
Itoobiya, raalina waanu ka nahay. Top
Kooxdii U
Horeysay Ee Ciidamada Nabad-ilaalinta Somalia Oo
Soo Gaadhay Baydhabo |
Baydhabo, March 2, 2007 (Haatuf) – Koox
Saraakiil ah ka socda ciidamada dalka Uganda
ayaa maalintii shalay ka degay magaalada Baydhabo oo xarun u ah dawladda
Mbagathi ee
Somalia, kuwaas oo la sheegay inay hordhac u yihiin ciidamada
nabad-ilaalinta ee uu
Midowga Afrika u qorsheeyay inay Somalia ka hawl-galaan.
Sida ay sheegeen wararka aanu ka helnay magaalada Baydhabo Saraakiishan oo
ay
sidday diyaarad milateri ayaa markii ay halkaas yimaadeen waxay kulan
albaabadu u
xidhan yihiin la galeen saraakiil ka tirsan ciidamada dawladda Cabdillaahi
Yuusuf ee ku
sugan Baydhabo, waxaanay warar xog-ogaal ahi sheegeen in waxyaabihii ay
labada dhinac
kaga wada-hadleen kulankaas ay ka mid ahayd imaanshaha ciidamada Uganda ee
toddobaadka soo socda ku soo fool-leh dalka Somalia iyo qorshaha goobaha
la dejinayo
ciidamadaas.
Saraakiishan oo ay wararku sheegayaan inay hordhac u yihiin ciidamada
Uganda, ayay
dawladda Uganda beenisay inay saraakiisha magaalo Baydhabo tegay qayb ka
yihiin
ciidamada dalkaas ee la geynayo Somalia, waxaanay sheegtay inay ahaayeen
saraakiil
khubaro ah oo samaynaya kormeer ka hor inta aanay ciidamadeedu halkaas
iman.
Capt. Paddy Ankunda oo ah afhayeenka ciidamada Uganda ayaa sheegay in
ciidamada
dalkiisu ay marka ugu horeysa tegayaan Somalia toddobaadka dambe.
Kulanka saraakiisha Uganda iyo kuwa dawladda Mbagathi ayaa la sheegay inay
kulankaas
arrrimaha kale ee ay falanqaynayeen ay ka mid ahayd goobta ay xaruntooda
ugu weyn ka
samaysan doonaan, taas oo la rumaysan yahay inay ka samaysan doonaan
magaalada
Muqdisho. Hase yeeshee labada dhinac ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil
ah ka
bixiyaan waxyaabaha ka wada-hadlayaan.
Dhinaca kale, xaflad balaadhan oo shalay ka dhacday Xerada Ciidamada ee
Qadaafi
Barakis oo ku taal magaalada Jinja oo 80km u jirta caasimadda dalka
Ugandha ee
Kampala, ayaa waxa ka soo qayb-galay Madaxweyne dalka Uganda Yuweri
Musefeni, taas
oo ahayd xaflad loogu talo-galay sagootiska 1500 oo askari oo ka tirsan
ciidamada Uganda
ee loo qorsheeyay inay Somalia tagaan.
Ciidamadan Uganda ee loo qorsheeyay inay tagaan Somalia ayaa xafladaas
shalay ku
lebisnaa derayska lagu yaqaan Nabad illaaliyaasha Midowga Afrika,
Koofiyado Cagaaran
iyo Astaanta Midowga Afrika oo ay cududaha ku xidhnaayeen, iyadoo xaasaska
iyo
ehelada askartaasina ay shalay joogeen xafladaas lagu qabtay Xerada
ciidamada ee
Qadaafi Barakis, si ay u sagootiyaan inamadooda.
Madaxweynaha Uganda Yuweri Musefeni ayaa gacan-haadis ku sagootiyay laba
bataliyoon
oo ee u diyaar-garoobaya in la geeyo Somalia, waxaanay saraakiisha Uganda
sheegeen in
1635 oo askari ay Muqdisho ka degi doonaan marka ugu horeysay qalabkoodu
halkaas
gaadho, kaas oo dhinaca badda la marinayo ayaa la filayaaa inuu
toddobaadkan Muqdisho
gaasho.
Madaxweynaha Uganda ayaa munaasibaddan ka sheegay in ciidamadani ay u
socdaan in
ay wax u qabtaan dadka walaalahood ah ee Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay
burbur ku
jireen 17kii sannadood ee la soo dhaafay.
Musefeni waxa uu sheegay inay kaalini uga banaantahay Uganda sidii dib-u-dhiska
dalka
Soomaaliya loo taageeri lahaa, isagoo dalka Somalia ku tilmaamay mid ka
mid ah dalalka
ugu qadiimsan Qaaradda Afrika.
Dawladda Uganda ayaa sir ka dhigtay maalinta ay si rasmi ah u imanayaan
ciidamadeedu
dalka Somalia, iyadoo ka cabsi qabtay oo kooxaha dagaalyahanada ah ee si
caadada ah
maalinkasta qaraxyada iyo weerarada u geysta ciidamada Itoobiya iyo kuwa
Mbagathi,
kuwaas oo horena ugu hanjabay inay la-dagaalami doonaan ciidamada
nabad-ilaalinta ee la
keenayo Somalia.
Ciidamadan ayaa noqon doona kuwii ugu horeeyey ee noocooda ah oo dalka
Soomaaliya
loo diro tan iyo 1994tii kadib markii ay dalka Soomaaliya ka baxeen
ciidamadii
nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay ee u socday qorshihii rajo soo celinta
“Restore Hope”
ee fashilmay.
Midowga Afrika ayaa ciidamadan u qoondeeyey in ay tiro ahaan noqdaan 8000
oo askari,
oo ka kala iman doona dalal dhawr ah oo ay ku jiraan Uganda, Nigeria,
Burundi, Malawi iyo
Ghana. Top
Hargeysa:
Odayaasha Xaafadda Axmed-Dhagax Oo
Ku Baaqay In Dayac-Tir Lagu Sameeyo Dugsiga Ex-Xalane |
Hargeysa, March 2, 2007 (Haatuf) – Qaar ka
mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan
degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ayaa xukuumada iyo dadweynaha
reer
Hareysa, gaar ahaan xaafadaha Axmed-dhagax iyo Maxamuud Haybe u soo
jeediyey in ay
si wada jir ah ugu hawl-galaan sidii dayactir iyo dib-u-dhis loogu samayn
lahaa dugsigii
sare ee Farsamada Gacanta Ex-Xalane ee magaalada Hargeysa, hada ay ka
furan tahay
Kuliyada Tababarka Macalimiintu.
Waxaanay odayaashaashi xukuumada ka dalbadeen inay dugsigan gacanta ku
dhigto,
iyaga oo xukuumada ka codsaday inay dugsigan ka dhigaan dugsi sare oo
ardaydu wax ku
barato.
Sidaana waxay odayaashaasi ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay shalay ku
qabteen
badhtamaha xayndaabka dugsigaasi, kaas oo ay odayaashu kaga hadleen arimo
la
xidhiidha dayactir la’aan haysata iskuulkaasi iyo baahida ay caruurta
xaafadaha Axmed
Dhagax iyo xaafada Maxamuud Haybe u qabaan inay helaan dugsi sare, gaar
ahaan
dugsigan Xalane oo isagu uga dhow marka loo eego dugsiyada kale ee
degmooyinkan ku
yaala.
Ugu horeyn waxa shirkaasi jaraa’id hadal kooban oo qoraal ah ka jeediyey
Maxamed
Xuseen Siciid oo isagu wakiil ka ahaa odayaasha degmada A/Dhagax, waxaanu
yidhi
“Dugsigii hore loo odhan jirey Xalane, sida la wada ogyahay dugsigani
wuxuu ahaan
dawladii hore dugsi farsamo, burburkii ka dib baahi loo qabay macalimiin
tababaran
awgeed, waxa si ku-meel-gaadh ah looga dhigay kulliyada tababarka
macalimiinta, hase
ahaatee is-faham-waa dhexmaray wasaaradda iyo cidii waday tababarkaasi
ayaa sababay
in dugsigaasi noqdo mid nasiib darro ku dhacday. Waxa laga wareejiyey
dhamaan ardaydii
oo ay la wareegtay Jaamacada Hargeysa, waxa la joojiyey miisaaniyadii la
siin jirey oo
dhamayd todobaataneeyo milyan, waxaana looga qaaday aqoonsigii hore loo
siiyey.
Intii wixii ka dambeeyey waxbarasho kamay socon dugsigan, sida ka
muuqatana dadkii
hawshaa waday waxay ka dhigtteen meel ay ku raadiyaan dhaqaale kaliya.
Haddaba,
markii aanu u kuur-galnay waxa jirta baahi weyn oo xaafadani u qabto dugsi
sare, sababta
oo ah waxay xaafadani leedahay 10 dugsi dhexe oo ay ka soo baxayaan ugu
yaraan 24
fasal oo u soo gudbaya dugsi sare, iyada oo xaafada ay leedahay dugsi
kaliya oo aan
isaguna dhamaystirnayn. Waxa kale oo wax laga xumaado ah dugsigan oo ah
dugsiga
kaliya ee ay ka muuqato burburkii dhacay 1988-kii sida ka muuqata, waxa
iyana halis ku
ah dadweynaha xaafadan degan dhinaca nabadgelyada, caafimaadka iyo
dhaqankaba, sida
imika uu dugsigu yahay, waxa uu noqon karaa meel ay ku dhuuntaan dadka
nabadgelyo
darada abuura iyo tuugtu. Waxa uu hoy u noqday dhaqan xumo baahday xaga
dhalinyarada, sidaas darteed waxaanu u soojeedinaynaa dadweynaha xaafada
sidii
dugsigan wax looga qaban lahaa, isla markaana loogu soo celin lahaa
gacanta dawladda,
xukumadana waxaanu ka dalbanaynaa inay dugsigan dayactir ku samayso”.
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Ibraahim Colaad oo ka mid odayaasha
xaafadaasi,
waxaanu yidhi “Waxaanu dugsigan u jiraa qiyaas aan ka badnayn 30m,
inankayguna
wuxuu dhigtaa dugsiga sare ee 26 june, markaa nasiib darro weeyi in iyadoo
dugsigii sare
ee Xalan intaasi u jiro in inankaygu halkaas tago. Haddii aanu nahay
odayaasha xaafadani
waxa aanu xukuumada iyo dadweynaha xaafadahanba ugu baaqaynaa inay arinta
iskuulkan wax ka qabtaan, anaga oo diyaar u ah in aanu wax kala qabano
dawladda
dayactirka dugsigan”. Top
DALJIRE:
“Masar baan Aqal Weyn kaaga Muujin lahaa”
By A. Geeljire |
Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo
dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin
dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa
iyagaaba is
doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu
ka dhacaa.
Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka
yeelan dadka
kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha
yeeshee,
kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay
diiraddoodu
haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi
Dhanxiirbaa
digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo
foodda ay is
daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka
ay ku
kulmaan.
Dubbe: Waar Heedhee waxaan kala garan waayay inaydaan miyir qabin, inaydin
ceel biir
ah ka soo cabtaan iyo inaydaan is maqal. xikmadiinu yaraa horta. Haragga
ayuumbaa rag
waaweyn laydin moodaa ee caruur baa hoosta ka tihiin.
Doolaal: Af xumo waan kugu aqaan ee muraadkaaga sheego maanta ku baran
maayee.
"Shimbirtii Oodweynaay hodhodho"
Dubbe: Wuxuu ina Rayaale warbaahinta ka sheegay inay ragga iminka leh
distoorka ha
lagu dhaqmo ay diidanaayeen markii la ansaxinayay. Shalayna waxaan ka
maqlay Ina
Maxamed Ducaale oo sidii gebi-ka-yeedhka intii ku celiyay isagoo isna ka
dhigaya iin.
qofka ay u jeedaanna waa layska garanayaa.
Doolaal: Maxaa intaa ku jaban waa caadiye? Hadduu qofku hore u diiday saw
la sheegi
maayo.
Dubbe: Markaad isu kay nasakhdo ayaan is idhaa bakeeri ma la eegataa. Waar
ma ninka
waxa uu diidanayaa ee lagaga batay aqbalay ee adigii sheeganayay inaad
oggolayd ku leh
ku dhaqan waxan adigaa inoo keenaye ana waan kugu raacay baa khaldan, mise
ka isagu
waxan uu leeyay waan raacsanaa iminka jiidhaya? Bal idinku caqligaa hoos u
foorara ee
weliba fagaaraha lala taagan yahay eega. qofku saw meel iskama taagi karo
arrin socota?
Doolaal: Waar dee sidaa looma jeedo. waxa weeye macnahu. iin haddii eebbe
idinkeeda
leeyahay..... ha isku darin arrimadha...
Dubbe: Waar nac nacda iska daayoo dhegeyso. Macne kale ma laha arrintuye.
Haddii cid
la sheegayo wax diiddan kuwii Laand taba diidanaa baa ka madax ah iminka.
Haddii
muxuu ahaan jiray lays waydiinayo muxuu ahaa Ina Rayaale? "kuwii weysha
lagu qabtay
baa jooga" ninyow idinkuna rag baa arrin khilaafay baad cid ku
eedaynaysaan. "Haddii ay
hooyo cay tahay inaad ku hadhay baan sheegay" buu yidhi Qaasim (AHN)
Doolaal: Waa maxay weyshuna?
Dubbe: Waxa la yidhi nin baa meel tuula ah gabadh hooyadeed yara baxday la
hasaaway..
islaantii baa soo noqtay oo gurigii soo gashay iyagoo labadii ruux sidii
laba joonyadood oo
xammaal is dul dhigay isku u rasaysan. "hoogey hoogey uuuhh uuuuhh" qaylo
ayay kaga
toshay. ninkii baa cararay. nin baa ka daba tegey oo yidhi "waar halkaad
ku ordeysaa?"
"waar iska soo noqo adiga gabadh baa lagugu qabtay ee kuwii weysha lagu
qabtay baa
fadhiya eh. miyaanad maqal hebel in maalin dhoweyd weyl lagu qabtay?" "Wallah?"
intuu
yidhi buu iska soo noqday markaasuu kii loo sheegay oo maqaaxi fadhiya
iska ag
fadhiistay. marka la yidhaa waar hebel maxaa maanta dhacay ee aad la
carartayba waxa
uu ku jawaabaa "oo maxaa iga weydiinaysaan kuwii weysha lagu qabtay baa
fadhiya eh?
Iminka inna xisaabtansiiya bal. ma idinkaa wax hore tilmaamaya. "Ha
tilmaamin aakhiro
waxaad tacabtay baa yaalle." buu yidhi Cabdi Gahayr.
Doolaal: Allah! waa markuu is xiijin jiray eh.
Dubbe:Dee mayee waxaa nagala bixi weydeen" Afweyne wuxuu yidhi" "Gacantaynu
isula
tegi" "Rag baa distoorka diidi jiray Distoorka" iyo wax noocaas ah.
gebigiinuba sidii
dubaaladii Mijir Koos (Mitchel costner) baa meeshii laydin taabtaaba isku
dhacaysa
markaasaa hadlaysaan. Dib haynoo celinina raadkaa dib loo qaadaa xabaaluu
inala geli
doonaaye.
Doolaal:Waar bal qaadkan aad tufayso xaggaa nooga du. oo waabad
xumbaynaysaa.
Dubbe: Maxaanu samaynaa? Waxaan na qaban baa nala daba socotaan. Umaddu ha
heshiiso oo xeerkeeda ha ilashato mooyee ma aan kala qaybino ayaynu isku
ogeyn? Ta
kale kan yaree aad tidhaahdaan "orodoo Siilaanyo fagaarayaasha uga soo
tiri" wuxuu yidhi
ma maqlaysay shaslay.
Doolaal: Ka soco. wax badan buu yidhee wax ka sheeg dee.
Dubbe: Waa ninka yidhi ictraafkii baan soo sidaa.Waar indho adagaa.
Doolaal: Sow Wasiirkii Arrimaha Dibadda ma aha oo ictriaafka masuul kama
aha. sawkan
soo hadh geli waayay ee darxumadu debedda ku dishay siduu albaab walba u
garaacayay.
idinkuna weligiin nin libin umaydaan qirin. "Waxba yuu xeerkay i marin
xoolana i siinne
xaashee nin libin kaa xistiyay xumihii waa yaab." Waxaydan qabani ma
jiraan. Alla
nimanku waa maxay adeerrayaal.
Dubbe: Horta marka hore waxaan la yaabay dadka aad tidhaahdaan ictiraaf
baanu u dirnay
ee keli kelida u socda. waa Cumar Dixood, waa Cawil, Waa ninkan Wasiirka
ah. Midna ka
kale ma oga. Ta labaad Wasiirkani kii idaacadda keeni kari waayay miyaanu
ahayn? Ma
ninka iib idaacad ku soo waayay, hadda waa doolarka Maraykanka, ayaa
diblumaasiyad
ictiraaf ku soo helaya? Ma isagoo weliba cidla u baxay? Markaasoo kale waa
markaan
ogaado inaydaan meesha caqli iyo cilmi toona ku hayn dalkana dan ka lahayn.
Waar
dadka caqligooda lama caayo ninyow.
Doolaal: Waar maahe waxiinu waa "cadka ama cunay ama ciideeyey" dadka sida
loo
quudhsado ayuumbaa taqaanaan
Dubbe: Adeerayaal halkee laydinku dili jiray? waxaasi waa waxaad ninkan
miskiinka sidaa
wax walba u lahaydeen waa lagu quudhsanayaa uu run u mooday eh. Malaha
halkii
madaxdu ka qori jirtay buug sida kii Mao iyo kii Qaddaafi ee cagaarnaa iyo
isagu buuq
yaroo madaw cuqdadi ka buuxdo ayuu idiin qaybiyay oo intaa yar ka wada
akhridaan.
Meesha quudhsi ma aha sheekadu iyo inaad iska tidhaadaan cadbaa la
ciidaynayaa.
cadkan aydin cunaysaan yaa idiin dhiibay marka hore? ma cad baa la
timaadeen idinku?
miyaanu kaanu keennay ahayn? cadka idiinma diidanin ee gacantii aannu
idiin ku dhiibnay
baa ku darsateen oo iminka calaashanaysaan illaa suxulka.
Doolaal: Waar anagu idinkaanu meel aanu idinka gallo la’anahy
Dubbe: Saw maan maqal iminkana Maxkamdda sare ayaa tafsiir xeer u
doonanaysaan si
aydin Wakiilada uga hor tagtaan markay muddada u kordhiyeen Komishankii.
Waar hooya
maydin waxaa iska dayn?
Doolaal: Maxkamadda saw xeerka inay fasisho looma samayn maxaa ku jaban?
Dubbe: Horta waxaan kaga ciil la’hay iminka, mar dambe mooyee,
Guddoomiyuhu waa nin
mujaahida oo caddaalad darro ka soo dagaalamay oo u malayn mayo inuu sidii
kuwii hore
iska kiin raacayo. Waxaanu leenahay Mujaahid Oomanow caddaalad baa loo
oomman
yahay.
Doolaal: Waar wixii Madaxweynuhu dan moodo ayaa la yeelayaa ee adkaysta.
Dubbe: Waaban maqlay heesta Ina Rayaale uu u tiriyay Oomane, guddoomiyaha
maxkamadda Sare
Doolaal: waa maxay heestaad sheegaysaa?
Dubbe: wuxuu xayiray heestii “Madheedhaale iyo Hawd” oo uu u beddelay
Madaxtooyada
weyn. Waa kuwan labadii heesood oo isku hor qorani.
Jacaylkii madaxaygii
Golahii madaxayga
Marsooyoo ka samaystoo
Marsooyoo ka samaystoo
Minaawarriyo doonyo
Mooshin aanan jecleynoo
Miidhan buu ku xidhaayee
Miidhan buu ku xidhaaye
Hay moogaanin badweynbuu
Hay moogaanin codkoodu
i muquurinayaa
Way muuquuninayaa
inagoon ka maarmin
Inagoon kala maarmin
kolla hayga maqnaan
kolla hayga maqnaanin
Gacmahaan kala maarmin
Xeerka aanan ka maarmin
Muxubow kugu yaalloo
Mudanaw kula yaalloo
Makhadaa arligeenna
Murankooda axsaabta
Marna kuu maqli maaye
Marna kuu maqli maayee
Mayadaan ka dhintaaye
Midigtaada I siiyoo
Marna hay maqashiinin
Maya hay maqashiinin
inagoon kala maarmin
inagoon kala maarmin
kolla hayga maqnaan
kolla haygu masuugin
Madheedhaaliyo Hawdbaad
Madaxtooyada weyn baad
Dhex mushaaxi lahaydoo
Dhex mushaaxi lahaydoo
Marsin geeli ka cabaayaad
Doolarkaa madmadow baad
Wax ka maali lahaydo
Wax ka miisan lahaydoo
Miyi baan aqal weyn
Masar baan aqal weyn
Kaaga muujin lahaa
kaaga muujin lahaa
inagoon kala maarmin
inagoon kala maarmin
kolla hayga maqnaan
kolla haygu masuugin
Mar laydoo dhan haweenka
Madaxdoo dhan dalkeenna
Adaan kaa mirshiyaayoo
Adaan kaa martiyaayoo
Adoo ii muuqda sidii
Adoo ii muuqda sidii
Hillaac meel ka baxaaya
Musuq meel ka baxaaya
Mar qudhoon ku arkaabaa
Mid qudhood igu raacdaa
Malab iiga macaane
Malyuun iiga macaane
mayadaan ka dhintaaye
mayadaan ka dhintaaye
marna hay maqashiinin
marna hay maqashiinin
Doolaal: Waar hees xumada la tak oo wax kale keen.
Waa inno toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo
A. Geeljire Top
Dawladda Yemen
Oo Shaaca Ka Qaaday In Sheekh Shariif
Ka Qayb-Gelayo Dib U Heshiisiinta Somalia |
Sanca, March 2, 2007 (W. Wararka) – Wasiirka
arrimaha dibada ee dalka Yemen Dr,
Abuubakar Al- Qirbi ayaa u sheegay wargeys ka soo baxa dalka Yemen in
hogaamiyihii
midawga maxkamadaha islaamka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu diyaar
u
yahay ka qeybgalka shirka dib u heshiisiinta Somalia ee lagu wado inuu ka
dhaco gudaha
dalka Somalia.
Abuubakar Al-Qirbi wuxuu kaloo sheegay in kulan ay wada yeesheen madaxda
dalka
Yemen iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed la isku afgartay in uu ka qeybgalo
shirka dib u
heshiisiinta qaran ee gudaha dalka Somalia ka dhici doonto taas oo uu ku
tilmaamay mid
nabad iyo xasilooni u horseeddi doonta geeska Africa.
Sidoo kale Dr Abuubakar Al Qirbi wuxuu tilmaamay inuu ogsoon yahay in
masuuliyiintii
midowga maxkamadaha islaamka ee wali baaqiga ku sii ah dalka Yemen ay si
weyn uga
soo horjeedaan dawlada federaalka ee Somalia, laakiin haddana wuxuu ku
adkeystay in
Sheekh Shariif uu ka balan qaaday inuu ka qeybgalayo shirka dib u
heshiisiinta qaran ee
ay dawladu soo abaabuleyso.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Sheekh Shariif Axmed oo haatan
ku sugan
dalka Yemen.
Dalalka beesha caalamka ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay qaadato
hanaanka dib u
heshiisiinta si nabad waarta loo gaadho, loogana baxa dhibaatada Somalia
ku habsatay.
Shirkan dib-u-heshiisiinta.
Madaxwaynaha dawladda Mbagathi Cabdillaahi Yuusuf ayaa isagu shalay shaaca
ka
qaaday xilliga uu si rasmi ah u bilaaban doono shirka dib u heshiisiinta
guud ee
Soomaalida, goobta lagu qabanyo iyo tirada ergooyinka ka qeyb qaadanaya
shirweynahaas.
C/laahi Yuusuf oo baarlamaanka hadal u jeedinayey ayaa ka warbixiyey
qorshaha
shirweynaha dib u heshiisiineed oo ay qaban qaabinayso dawladiisu, waxaanu
Cabdillaahi
Yuusuf sheegay in si rasmi ah dawladiisu u bilawday hawlaha qaban qaabada
shirweynaha
maadaama dawladda ay soo dhameystirtay hanaanka shirka uu u qabsoomayo.
Waxa kale oo uu sheegay in shirweynaha ay ka soo qeybgalayaan dad
tiradooda aanay ka
yareyn Saddex kun oo qof oo ka kooban dhammaan qeybaha kale duwan ee
bulshada
Soomaaliyeed, iyagoo ka kala imanaya dhamaan degmooyinka, gobolada dalka
Somalia
iyo jaaliyadaha dibadda ee Soomaaliyeed.
C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in shirka lagu qaban doonaa magaalada
Muqdisho 16-ka
bisha April ee sanadkan kaas oo buu yidhi socon doonaa muddo ku siman laba
Bilood,
waxaanu Cabdillaahi Yuusuf xusay in qorshaha iyo faahfaahinta barnaamijka
shirka loo
gudbin doono beesha caalamka iyadoo laga codsanayo inay taageero dhaqaale
ugu
deeqaan shirwaynaha, isagoo mas’uliyiinta beesha caalamka ka codsaday in
shirka ay u
soo diraan goob joogayaal iyo kaalmooyin farsamo.
Cabdillaahi Yuusuf waxa uu si cad u qeexay in shirka ay daadihin doonaan
shaqsiyaad
Soomaali oo sumcad iyo ixtiraam buuxa ku leh bulshada dhexdeeda kuwaas oo
aan ku
dhex jirin buu yidhi xubnaha labada golle ee dawladda isla markaana u
madax banaanaan
doona howlaha shirwaynaha Qaran iyagoo raacaya axdiga Qaranka Somalia.
Shanta nin ee hogaaminaya shirkaas ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan
shanta beelood
ee dalka Somalia wax u qaybsadaan oo lagu wado in beri lagu dhawaaqo,
kuwaas oo warar
hordhaci leeyihiin waxay kala yihiin shanta nin ee la filayo in lagu
dhawaaqo: Cali Mahdi,
Maxamuud Jirde Xuseen, Maxamed Cali Magan, Cabdiraxmaan Guulwade iyo Cali
Marguus kuwaas oo noqonaya ragga odayaasha ah ee loo dhiibi doono hawsha
dib u
heshisiinta Somalia. Top
|