Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1349 Feb.26, 2006

Adduunyadu Ma Sharciyeyn Doontaa Madax Banaanida Somaliland?
Scott A. Morgan

Weriye Cabdi-Qani Askar Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Amray
In La Soo Qabto Taliyaha CID-da Iyo Bileyska Oo Ka
Dhega-Adaygay Qabashadiisa

Dooda Miisaaniyada 2007 Ee Golaha Wakiilada Ka Socota
Oo Gaadhay Marxalad Xaasaasiya

Xukuumada Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Isu Socodka
Cirka Iyo Dhulka Ee Somaliland Iyo Somalia

Boqolaal Hilibleyaasha Hargeysa Ah Oo Banaan Bax
Cabasho Ah Sameeyey

Afhayeenkii Madaxtooyada Oo Si heer Qaran ah Loogu
Aasay Xabaalaha Qaranka

Shirweynihii 2-Aad Ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland Oo Baaq Caafimaad Laga Soo Saaray

Siyaaradii Sheekh Isaxaaq Oo Markii Ugu Horeysay Lagu
Qabtay Maqaamka Xaaji Daahir Ee Gabiley

Alla Bari Xusuusnow - Gabay

Xidlhibaan Xuseenow!

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Nama Qabato Aanu Baabuurtiina
Gubno Doqon Ma Waayena Aanu Dhoobnaano

Somaliland: Khiyaamada Qaran ee Rayaale iyo Xukumaddiisa
ay ka Gashay Ummada iyo Dalka #1


Adduunyadu Ma Sharciyeyn Doontaa Madax Banaanida Somaliland?
Scott A. Morgan

Scott. A. Morgan oo ah nin u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadamaha, isla markaana ka faalooda siyaasadda Maraykanka ee Afrika ayaa sheegay in aqoonsi ay Somaliland ka hesho dawladaha waaweyn ee dunidu ku xidhan tahay inay ooda ka qaado suxufiyiinta xidh-xidhan.

Morgan waxa uu sidaa ku sheegay maqaal uu shalay ka qoray, su’aasha taagan ee qaranimada Somaliland inay beesha caalamku aqoonsato.

Maqaalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan:
“Waxa jirta dhibaato ka qarsoon indhaha dadka Somalia dhexdeeda. Inta badan khubaradu ma soo qaadaan marka ay TV-yada ka hadlayaan, xataa khubarada Afrikaanka ahi marka ay dawladahooda ka hadlayaan. Su’aashu way fududahay in la isweydiiyo, jawaabteedase madaxa ayey ka xoqdaan. Su’aashaasi waxay tahay, muxuu noqonayaa aayaha qaranimo ee Somaliland?

Ugu horeyn waa maxay Somaliland? Somaliland waa dhul ku yaala Somalia, ee loo yaqaanay British Somaliland intii ka horeysay dagaalkii labaad ee dunida. Waa saldhigii xulafada ee dedaalkii dib loogu soo celinayey dawladdii hore ee Itoobiya markii ay faashiistihii Talyaanigu qabsadeen.

Somalia waxay ka koobnayd midawga labadii gobol ee la kala odhan jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland. Hase yeeshee, markii ay dhacday dawladdii Siyaad Barre 1991-kii, Somaliland waxay iskeed ugu dhawaaqday inay ka madax banaan tahay, balse beesha caalamku ma aqoonsan, oo nasiib darradu waxay tahay lama garawsan waxa dadkaasi doonayaan.

Iyada oo ay jirto dawladda ku meel gaadhka ah ee fadhigeedu yahay Baydhabo, iyo fawdada Muqdisho, halka ay Hargeysa-na ka jirto dawlad shaqaysa.

Iyada oo wadanka intiisa kale noqday goob ay ku hirdamaan dagaal oogayaashu, waqooyiga deganaasho iyo dawlad shaqaysa ayaa ka jirta. Laakiin dunidu weli taasi si miyir qabta umay garawsan. Inkasta oo ay aakhirkii taasi (garawshiiyo la’aanta) ay hadda wax iska bedelayaan.

Waxa la wada ogyahay in Somaliland xidhiidh sokeeye la leedahay Britain. Laakiin daneeyayaal kale (wadamo kale) ayaa iyaguna hadda si wanaagsan isha ugu haya. Dhawaan waxa tegay wefti xaqiiqo raadis ah oo ka socda Midawga Afrika. Sidoo kale kuwa qaadhaanka caawimo Somaliland uga raadinaya Maraykanka ayaa mar horeba ka cadeeyey Kongerayska (aqalka hoose ee baarlamaanka USA). Isku dayo kale oo la mid ah ayaa iyagana laga wadaa Midawga Yurub dhexdiisa.

Sida dal kasta taariikhdiisa, Somaliland waxa ay ka soo gudubtay rafaad iyo xanuun ilaa ay qaran ka soo gaadhay. Waqtigan xaadirka xubno ka mid ah Wargeys ayaa jeelka ku jira. Dhawr dhinac oo ay ku jirto Amnesty International ayaa u aqoonsaday maxaabiis waajibkooda (shaqadooda) u xidhan.

Xorriyada saxaafaddu waa xuquuqaha aas-aasiga ah ee wadamo badan. Dhakhso iyo degdega loo xaliyo dhibaataddan ayaa gacan ka geysan karta inay quwadaha (wadamada awooda badan leh) ay aqoonsadaan sharciyadda madax banaanida Somaliland. Waxay hawlahooda u wateen sidii qaran madax banaan, in ka badan toban sannadood, markaa maxay adduunyadu sugaysaa?

Top


Weriye Cabdi-Qani Askar Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Hargeysa March 16, 2007 (Haatuf) – C/Qani Askar oo ah weriye Madax banaan, horena uga shaqayn jiray TV-ga Qaranka iyo Wargeyska dawladda ee Maandeeq ayaa shalay gelinkii dambe loo taxaabay xabsi ku yaala xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa.

Xadhiga C/Qani Askar oo aan la sheegin sababta loo xidhay ayaa waxa loo nisbaynayaa in xadhigiisu la xidhiidho qoraalo uu qoray bishii December 2006, oo ku soo baxay Wargeysyada dalka, kuwaas oo uu ka mid ahaa maqaal ku soo baxay Wargeyska Haatuf iyo Geeska Afrika oo uu cinwaan uga dhigay “Cismaan miyuu u daneeyaa mise wuu ka danaystaa qoyska madaxtooyada”.

C/Qani waxa la sheegay in aan wax waaran ah loo soo qaadan xadhigiisa, laakiin tifaftiraha Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) ayaa maxbuuska ka soo weriyey in markii maalinimadii shalay laga dareeray aaskii Alla ha u naxariistee afhayeenkii Madaxtooyada uu ninka Siciid Maxamed Obsiiye (Siciid Fool Xun) la yidhaahdaa oo ah Xeer Ilaaliyaha dacwadda ku oogaya suxufiyiinta Haatuf ku xidhay xarunta CID-da, isaga oo markii horena Weriye C/Qani ka codsaday inuu u raaco aaska marxuum Cabdi Idiris.

Weriye C/Qani Askar oo ahaa Wariye madax banaan, waxa uu hore uga shaqayn jiray Wargeyska Maandeeq ee dawladda iyo Tv-ga Qarankaba.

Balse intii dambe waxa uu ahaa weriye Madax banaan.
 

Top


Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Amray
In La Soo Qabto Taliyaha CID-da Iyo Bileyska Oo Ka
Dhega-Adaygay Qabashadiisa

Hargeysa, March 16, 2007 (Haatuf) – Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, C/Raxmaan Jaamac Hayaan ayaa soo saaray shalay waaran qabasho ah oo uu ku amrayo in taliyaha Ciidanka Baadhista dambiyada ee Bileyska, Saleebaan Muuse Xasan, la soo qabto, isla markaana isaga oo maxbuus ah la horkeeno Maxkamadda.

Waarankan qabashada ah oo ku taariikhaysan 15/03/2007, waxa uu Gudoomiyuhu ku socodsiiyey taliyaha bileyska Somaliland, isla markaana waxa uu ogeysiis ku siiyey xafiiska xeer ilaalinta gobolka Hargeysa, K/S Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Gudoomiyaha Maxkamadda JSL (Maxkamadda Sare) iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Waaranka Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, oo Haatuf heshay nuqul ka mid ah, waxa ujeedo looga dhigay “Waarran xadhig taliyaha Qaybta Baadhista Dambiyadda Hargeysa iyo horkeenis maxkamadeed”.

Waxaanay nuxur ahaan u qornayd sidan:-
“Tixraac arjiga dacwadda ah ee lidka ku ah taliyaha Qaybta Baadhista Dambiyadda Hargeysa, Saleebaan Muuse Xasan ee ku taariikhaysan 14/03/2007, taasi oo uu dhibane ka yahay muwaadinka magaciisu yahay C/Rashiid Maxamuud Cali, sheegayna inuu u hanjabay taliyuhu, caayayna, isla markaana aniga shakhsiyan Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa ahaan uu cay laf jab ah igu yidhi, sida ku cad arjiga ku taariikhaysan 14/03/2007.
Sababta ay waxaasi noo gaadhayaana ay tahay in Maxkamadda gobolka Hargeysa amartay in taliyaha Qaybta Baadhista Dambiyadda inuu sii daayo gaadhiga MarkII ah ee lambarkiisu yahay SL. 13370 oo hore loo dhigay xerada qaybta Baadhista Dambiyadda, ka dib markii la xidhay dirawalkii waday, cid kaxaysana la waayay, amarkaasi oo sumaddiisu tahay MGH/DDL/117/2007 ee ku taariikhaysan 14/03/2007.
Haddaba, iyada oo aanay ku haboonayn anshaxa bileyska caydaasi iyo aflagaadooyinku iyo amar diido, xafiiskuna u furan yahay danta ummadda in aflagaado loogu geysto muwaadiniinta iyo xafiisyada dawladda ee kale, isagoo taliyuhu ku gefay qodobada 245 XCG iyo qodobka 95 XHC iyo qodobka 250 XCG ay cadahayna inuu sharciga ku xad-gudbay, iyadoo maragyo iyo askar iyo shiciba goob joog ay ka ahaayeen markii uu falkaasi gelayey.
Sidaas darteed, waxay amraysaa Maxkamadda gobolka Hargeysa in la horkeeno taliyaha, isagoo xidhan Maxkamadda horteeda, si uu uga jawaabo falalka lagu soo eedeeyey, isla markaana baadhis qoto dheer lagu sameeyo, iyadoo cabashooyin badan oo noocaas ahi ay na soo gaadhayaan, sidoo kalena loo sii daayo muwaadinka leh gaadhiga lambarkiisu yahay SL. 13370.

Fiiro gaar ah.
Cabashada muwaadinka ee ku taariikhaysan 14/03/2007
Amarka Maxkamadda ee uu diiday taliyuhu”.

Waa markii ugu horeysay ee sarkaal bileyska ka tirsan waaran qabasho ah loo jaro, iyada oo ay maalin walba dhacdo in aflagaado iska daay’e, xataa ay saraakiisha bileysku mararka qaarkood gacanta ula tagaan muwaadiniinta oo ay garaacaan.
Hase yeeshee, Taliyaha Ciidanka Dambi Baadhista ee CID-du, isagu waxa uu caan ku yahay aflagaadada muwaadiniinta.

Inkasta oo uu Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa amray in la soo qabto, lana soo xidho taliyaha Qaybta baadhista dambiyada ee CID-da, Saleebaan Muuse Xasan, haddana ilaa hadda lama soo qaban, balse bedelkeeda waxa uu xabsiga dhigay Weriye C/Qani Askar oo ah weriye Madax banaan, kaasi oo la xidhay ka dib markii Xeer Ilaaliyaha dacwada ku oogaya suxufiyiinta Haatuf, Siciid Maxamed Obsiiye, uu ka codsaday inuu u raaco aaska marxuum Cabdi Idiris Ducaale, afhayeenkii madaxtooyada, balse markii ay is-raaceen, ka dib intay CID-da soo mareen dabadeedna uu Xeer Ilaaliyuhu taliyaha CID-da u sheegay in la xidho, ka dibna sidaasi xabsiga loo taxaabay.

Mar aanu isku daynay in aanu masuuliyiinta bileyska wax ka weydiino, sababta loo fulin waayey amarka Maxkamadda gobolka Hargeysa ee loo soo xidhi waayey taliyaha CID-da iyo sababta xadhiga weriye C/Qani Askar nooma ay suurto gelin.

Top


Dooda Miisaaniyada 2007 Ee Golaha Wakiilada Ka Socota
Oo Gaadhay Marxalad Xaasaasiya

“Wasaaradan maaliyadda waxaad moodaa in gobollada bari Faal u qabtay, wax reer galbeeda waxa soo maray Ismaaciil Buubaa, waxaanu leenahay intayada cashuurta la diyaarka ahna mar halagu eego”. Md C/qaadir Jirde

“Miisaaniyada wasiirka warfaafinta iyo tv-ga qaranka haloo wareejiyo wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska, xukuumaduna waa inay keento hay’adda sirdoonka sharciyadeedii si ay u madax banaanaato” Md Aadan x diiriye {Sanqoole}.

Hargeysa, March 16, 2007 (Haatuf) – Mudanayaasha golaha wakiilada oo ku guda jira dooda odoroska miisaaniyada 2007 iyo wax ka bedelkii ay gudida dhaqaaluhu ku soo sameeyeen ayaa fadhigii shalay waxay mudanayaashu ka yeesheen doodo kulkulul oo ay wax iskaga weydiinayeen qaabka loo soo diyaariyey miisaaniyadda qaranka.

Fadhigan oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo ay madashaasi doodahooda ka dhiibteen mudanayaal door ahi ayaa ugu horeyn, waxa halkaasi doodiisa ka dhiibtay Md. C/qaadir Ismaaciil Jirde, waxaanu ku dooday “Dhibta iyo rafaadka laal soo maro miisaaniyadaa yar ninkii ogi malaha waxa uu shaki gelin lahaa mushaharadaa yar ee aynu ka qaadanee inay xalaal tahayiyo inay xaaraan tahay. Wasiirka halkan inoogu yimaadaa waa sawirkii miisaaniyada, mana soo sameeyo halkay ka timaadana ma oga, miisaaniyada waxa soo sameeya nin feedho yar oo xaga dambe fadhiya oo C/raxmaan la yidhaahdo, ninkaasi marka uu miisaaniyada samaynayo hadaad la joogi lahaydeen sida uu suuf iyo xanjo iskugu dhejinayo maydin tidhaahdeen waa miisaaniyad ee wax kale ayaad ku sheegi lahaydeen, waajibaadka ninkaa la siiyey waa nin lagu xujeeyey oo la yidhi awr caano ka lis, Illaahay wuu i-tusi doonaa miisaaniyad aan u bogo, umana malaynayo inay muddo dhow inoo iman doonto miisaaniyad aynu u bognaa, gudida hawl baynu u diranay, anigu markaan ka duulayo miisaaniyad waxaan uga qiyaas qaataa tani tii hore ma ka wanaagsan tahay oo qaladaadkii hore mala saxay, miisaaniyada waxaanu ku bilownay iyada oo aanu dawladda dakhli soo u soo xeroon oo hay’ad waliba dakhliga soo gala iyadu ay dib u isticmaasho.
Waxa ka kow ahaa oo aanu soo xaraynay 9000$ oo ay qaban jirtay wasaarada duulista hawada oo ay iyadu maamuli jirtay ayuu golahani miisaaniyada ku soo riday, kharashyo badan oo inagaga maqan aya jira, guddida dhaqaalaha waxaanu uga fadhinaa habkii ay kharashyadaasi ku soo xeroon lahaayeen, hadaanay guddidu hawshaasi qaban anigu waxaan qabaa in guddidan la bedelo oo mandate-ka la siinayaa uu noqdo kharashkaa dawladdu inuu inoo soo xeroodo, haday gudidu hawshaasi ka duuli weyday oo ay u arki waayeen waajibkooda 1-aad, golahana uma maqna,mana metesho waana in la bedelaa, waxaynu had iyo jeer ku cel-celinaa ummadaynu ka wakiil nahay, nin baa nin ku yidhi waaryaa ninkaaga reer hebel markaasuu yidhi adeer reer hebel ma ihi, markaasuu ninkii ku yidhi adeer waaban ku dalacsiiyoo darajaaban moodayay taas, wakiilnimadu waa derejo la gaadho Illaahay hayna gaadhsiiyo, 80 landcruiser ayaa kaamboolka inoogu xareysan. Markaa ninka ummadda ka wakiil ahi feedho weynaa oo fardo badnaa. Soo jeedinta guddidu miisaaniyada waxay ku saleeyeen kharash ee dakhli kumay samayn, waxan ay kala bedeleen waxaanan jeclaa iyagoo xaga dakhliga abaara oo yidhaahda wasaarada macdanta iyo biyaha intaasaa ku maqan, kaluumaysiga iyo maxkamadaha intaasaa ku maqan, laakiinse kharash uun bay ka hadleen, markaad kharash ka hadlayso waa inaad xog-ogaal u tahay wixii ay ku isticmaaleen kharashkaa la siiyey, waxaana kuu soo baxaya kharashka dheeriga ah ee aan loo baahnayn iyo kharashaadka hay’adaha dawlada ugujira miisaaniyada ee sanad walba baaqata, markaad intaasi hesho ayaad odhan lahayd dakhligaasi waa xaaraane halaga joogo oo baahidaasaa halkaa ka jirtee aloo duwo.
Guddida dhaqaaluhu waxay inoo sheegeen inay xog-wareysiyo la yeesheen wasaarada ganacsiga, duulista hawada, dekeda Berbera, maayarka caasimada, xoghayaha D/hoose e Berbera, wasaarada maaliaydda, baahi bay ka hadlayaanoo wasaaradaha gaashaandhiga, caafimaadka, waxbarashada umay yeedhan, waxba kamay weydiiyeen baahidooda, nimaanad baahidiisii miisaaniyada waxba ogaanin waxay ila tahay guddida dhaqaaluhu inay dur iyo daabac uun tuureen, markay waxna goynayeen waxna kordhinayeen, waayo markaad wax kordhinayso waxna gonaynayso waa inay xog ku salaysnaataa,xogtuna ay warbixintooda ku qornaataa, taana ma hayno. Markaa anagu waxanu u qaadanaynaa dur iyo daabac oo qoladii nasiibku ugu dhacayna wax loo kordhiyey, qoladii uu ugu dhici waayayna ay wax waayeen.

Saddex hay’adood bay guddidu soo jeedisay in wax lag jaro, madaxweynaha waxa ku qornaa 2 ,600,000/-, madaxweyne ku xigeenkana axa ku qoran hal bilyan iyo badh, Break down aynu helno intaynaan waxba ka goyn, aniguba mabdi’yan waan ka soo horjeedaa in xaflado lagu qabto madaxtooyada uu kharash kubaxo, laakiinse aynu xog helno oo kharashka dheeraadka ah ee aan dalka dani ugu jirin aynu ka baadho, markaa inagoo isla ogol, kharashka gurmadka oo 3 bilyan iyo badh ahilaa aamanuudii baanu ka doodaynay, hay’ad walba kaalinta ay gurmadka ku leedahay aynu miisaaniyada ugu darno, arintaa inay abaarto guddidu ayaynu ka sugaynay, laakiin iyadoon waxba analize-garayn waxbaanu jarnarnay laga roon. Ta kale ma qurux badna sanad walba wasaarada maaliyadu cashuur bay kordhisaa, dawladuna halkay joogto uun bay ka adag tahay cashuurtana ka qaadaa, meelaha qaarkoodna waxaan ogahay inay cashuurtu tahay carkee, axaan leeyahay wasiirada wasaarada maaliyada soo maray waar ilmaadeerayaal waabanu ogonahaye dee dhabarka yaan laga jabinin, hal gobo lama saddex gobol. Ta kale waxaad moodaa inuu faal ugu dhacay wasiirada soo maray wasaarada maaliyada Somaliland, wax reer galbeed ah waxa ka helay Ismaaciil Buubaa, Siilaanyo, Gees, Caynab, Doodi, iyo Cawil, markaa waxaanu leenahay qolooyinkayagan cashuurta la diyaarka ah bal marmar halagu soo daro oo yaan bahasha dhinac kaliyauun laga wadin”.

Md. Cumar Sanweyne ayaa isaguna kudooday “Markii ugu horeysay ee ay computer-radu soo baxeen dadkii shaqaalaha ahaa ee la yidhi ku shaqeeya wixii ugu weynaa ee ka hor-yimid waxay noqotay in wixii ay waligoodba ku soo shaqaynayeen uu computer-kaasi qaadayo, kolay qolooyinkayagan waaweyni isbedelka waanu necebnahay oo in wax waliba sidii hore ahaadeen ayaanu jecelnahay, miisaaniyada wax ka bedelkeeda iyo ansixinteedaba sharciga guddidu waxyaalo badan oo looga baahnaa inay soo qabteen may soo qaban, laakiin waxa yari ay soo qabteen mudadaa kooban way ku amaanan yihiin, waxaan soo jeedin lahaa in hay’adaha aan sharciyeysnayn miisaaniyada laga saaro. Ta kale waa in cashuuraha ay wasaarada maaliyaddu kordhisay golahan la horkeeno si loo ansixiyo, waxaanan so ojeedinayaa inaan miisaaniyada la celinine mar dambe guddida dhaqaalaha laga shaqaysiiyo oo lagu soo daro wixii ka maqan, sida total, sarifka lacagta adag ee banka uu sarifo iyo kuwa la soo daabaco, jaraa’idka iyagana waxaan leeyahay waa in wax loogu darro”.

Md. Maxamuud Jaamac X. Cilmi ayaa isaguna ku dooday “Baarlamaan wax uu baarlamaan rasmiya ku yahay marka uu xukuumada sharciga ku dabri karo, hadaydaan awood u lahayn inaydin kalsoonida ka qaadi kartaan xukuumad aama wasiirada hadalkiinu waxba jari maayo, miisaaniyadana waa iska sii daynaysaane iska sii daaya, bani’aadamkuna sharciga ayuu ka baqdaa, inta ka hadlaysaan miisaaniyada dad badan oo dolman oo dayni kaga maqan tahay xukuumada ayaa jira, dad baana ku kacay sidii lacag looga qaadayee walina maan arag mudane kaliya oo ka hadlaya muwaadiniinta lacagtu kaga maqan tahay dawladda oo ay hay’adaha iyo wasaaraduhu ka qaateen oo xaqoodii meel ay uraacaan garan la’, dadkaasi miyaydaan wakiil ka ahayn, ninkii airport-ka Hargeysa dhisay iyo aqalkan golihiina ahba labadaba xaquuqdoodii baa ka maqan, dee xaqooda u doona, saxaafada madaxa banaan iyo ta dawladaba waa in la dhiiri geliy, dawlad aan mucaarid iyo muxaafid lahayni dawlad ma noqoto, anigu waxaan soo jeedin lahaa ciidamadii iyo shaqaaluhuba way u xaniban yihiin miisaaniyada ee u sii daaya”.

Md. Aadan X. Diiriye Dirir ayaa isaguna ku dooday “Miisaaniyada wasiirka warfaafinta iyo tat v-ga qaranka labadoodaba halagu wareejiyo wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska, waxa kaloon soo jeedin lahaa xukuumadu yay meel cidhiidhiya hoos geyn hay’ada sirdoonka qaranka, sharciyadeedii ansixintana golaha ha horkeento,anigu waxaaban qabaa inay hay’ada sirdoonku ay ka bajad badan tahay labada wasaaradood ee arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadaba. Miisaaniyada macnaheedu maaha halkee laga kordhiyaa ee waxa weeyi ujeedadu sidee baynu dakhligeena isugu celcelinaa, taana sharciga ayaa banaynaya, waxaana inala gudboon inagoon ku talax tegayn waa inaynu miisaaniyada sida ugu dhakhso badan aynu isku dhaafinaa”.

Top


Xukuumada Oo Xayiraad Ku Soo Rogtay Isu Socodka
Cirka Iyo Dhulka Ee Somaliland Iyo Somalia

Hargeysa, March 16, 2007 (Haatuf) – Xukuumada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay joojisay laga bilaabo maalinta sabtida ahee 17/3/07 dhamaan dadkii ka imanayay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee dalka Somaliya cir iyo dhulba, iyada oo xukuumadu ku war-gelisay dhamaan shirkadaha diyaaradaha iyo gaadiidka u kala goosha Somaliland iyo Somaliya in aanay soo qaadi karin dadkii rakaabka ahaa ee aysoo qaadi jireen ilaa iyo amar dambe.

Dhacdadan oo ah mid hor leh oo ay ku talaabsatay xukuumada Somaliland ayaa sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada duulista iyo hawada oo uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradaasi Cali Maxamed Waran-cade, waxay sababta arintan ku xidhiidhiyeen cabsi looga qabo dadka reer Somaliland in uu soo gaadho cudurka Kalooraha oo ay sheegeen inuu ka dilaacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee dalka Somaliya, isla markaana cudurkaasi fara baas ku hayo dadka degaan magaalooyinkaasi. Waxaanu qoraalka war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani u qornaa sidan:

“Waxaa na soo gaadhay in uu kalooruhu six un uga dilaacay magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso, sida aanu ku hayno warar rasmi ah, waxa uu shalay soo riday cudurkaasi magaalada Boosaaso 200 oo qof, waxana u dhintay 14 ka mid ah dadkaasi, isla maanta oo bishu tahay 15/3/07 wuxuu soo riday 300 oo qof, waxaana dhintay 25 qof, sidaas awgeed si looga hortago in uuku soo fido cudurkaasi Somaliland Illaahay haynaga hayee, waxa la joojiyey dhamaan dadkii ka imanaayey Muqdisho iyo Boosaaso cir iyo dhulba, laga bilaabo maalinta Sabtida oo bishu tahay 17/3/07.

Sidaas darteed, dhamaan shirkadaha diyaaradaha iyo gaadiidka iskaga goosha Somaliland iyo Somaliya, waxa lagu war-gelinayaa in aanay soo qaadi karin wax dad ah ilaa amar dambe, cidii ku xad-gudubta amarkaasi waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan”.

Top


Boqolaal Hilibleyaasha Hargeysa Ah Oo Banaan Bax
Cabasho Ah Sameeyey

Hargeysa, March 16, 2007, (Haatuf) - Boqolaal ka tirsan Hiliblayaasha Hargeysa ayaa shalay banaan bax cabasho ah iskugu soo baxay dawladda hoose ee Hargeysa, iyaga oo markii dambena u soo dhaqaaqay xagga shacabka, balse ciidanka bileyska ayaa markii dambe xoog ku kala dareeriyey.

Hiliblayaashan ayaa ka cabanayey shirkadda gacanta ku haysa kaawaanka gawraca ee magaalada Hargeysa ee Maandeeq, oo ay sheegeen inay qiimihii ay ka qaadi jirtay ku laban laabtay.

Sida ku cad waraaq ay u gudbiyeen Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa, waxa ay hiliblayaashu ku sheegeen in ay shirkadda Maandeeq laban laabtay qiimihii ay ka qaadi jirtay, oo ahaa 3300 SL, neefka, geela 7000, lo’dana 4000 SL Sh, halka hadda qiimaha cusub ee ay Maayarka iyo shirkadda Maandeeq ku soo rogeen in laga qaado ay tahay adhiga 6500/= geela 15000/=, lo’da 10,000/= taasi oo ku laban laabmaysa qiimihii hore looga qaadi jiray.

Dadkan cabanayey ayaa Haatuf u sheegay in Maayarka iyo shirkadda Maandeeq ay isku shaqaysanayaan, isla markaana la doonayo in lacag aan sharci ahayn laga qaado.
“Berigii hore, waanu ogolayn wax walba, oo xataa iyaga oo qiimaha nagu kordhiyey waanu ka ogolaanay, sababta oo ah waraaqaha waxa ku qornayd magaca dawladda hoose, balse haatan waxa la gaadhay in qiimahana la kordhiyo, waraaqihii cashuurtana lagu soo qoro magaca shirkadda Maandeeq, markaa anagu ma ogolaanayno shirkad gaar loo leeyahay oo lanagu dul xooleeyo, waayo waxa ay isku darsatay shirkadda Maandeeq, xeradii, gaadiidkii iyo inankii qalayey shaqadoodii”. Sidaa waxa yidhi, mid ka mid ah hiliblayaasha oo magaciisa noogu sheegay Axmed Bedel oo Haatuf u waramayey wax yar ka dib markii ay bileysku xoogga ku kala dareeriyeen mudaharaadkoodii.

Axmed waxa uu intaasi raaciyey “Maayarku waxa uu maalgeliyey toban, markaa imika waxa la isku hayaa tobankii qof iyo intii kale”.

Sidoo kale, hiliblayaashu waxa ay ku cawdeen in Maayarka Hargeysa, Xuseen Maxamuud Jiciir uu samaystay shakhsiyaad u gaar ah oo ka mid ah Guddidii hore ee hiliblayaasha, taasi ay sheegeen inay bedeleen, isla markaana uu Maayarku lacag inta uu siiyey uu doonayo inuu ku garaaco guddidooda cusub ee Nafaqo.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Shirkadda Maandeeq oo aanu isku daynay labadaba in aanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii ay telefoonadii naga qaadi waayeen.

Maaha markii ugu horeysay ee ay hiliblayaashu mudaharaad cabasho ah sameeyaan, hase yeeshee, waxa ay dabayaaqadii bishii February ee ina dhaaftay, ka dib markii ay hiliblayaashu gebi ahaanba joojiyeen inay hilibka qalaan, ka dib markii ay shirkadda Maandeeq ku kordhisay qiimihii adeega gawraca ee kaawaanka Hargeysa.

Hase yeeshee, waxa markii dambe soo dhex galay wasiirka arrimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka Hargeysa, kuwaasi oo balan qaaday in aan wax lacag ah lagu kordhin doonin, balse lama garanayo waxa keenay ciladan cusub, iyada oo uu horena Maayarku warbaahinta uga sheegay in lacagta ay Maandeeq doonayso uu isagu kabi doono.

Shirkadda Maandeeq ayay labadii sannadood ee ina dhaafay hiliblayaasha Hargeysi ka cabanayeen, iyaga oo sheegay in ay lacagta ay ka qaado iska dhaaf’e xataa gaadhay heer ciidan hubaysani ku ilaaliyo kaawaanka gawraca ee Hargeysa marka ay xoolaha ku qalayaan.

“Waxa la marayaa heer ciidan hubaysani nagu ilaaliyo kaawaankii, iyada oo ay shirkadda Maandeeq nagu haysato gaadiidkii, hilibkii aanu qalaynay iyo weliba hawlihii kale, sidaasi darteed waxa aanu ka codsanaynaa in shirkadda Maandeeq lanaga qabto”. Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah hiliblayaasha oo Haatuf u waramayey isaga jooga suuqa Waaheen ee hilibka.

Ugu dambayn Farxaan Axmed oo ka mid ah hiliblayaasha magaalada Hargeysa ayaa isagu ra’yigiisa ku soo gudbiyey hab suugaaneed, waxaanu yidhi:

“Goormay dadawdaa,
Danaheeda garataa
Bulsho ay wax doontaa
Dareenkeedu dheer yahay
Marka ay iska diidaan
Duuflaal ku xoogsada
Dakanada qabiilada
Rag baa dab isugu shida
Hadal oo in badan
Ictiraaf dalkeenani
Haynoo dambeeyee
Dastuur kaad u codayseen
Dantii loo lahaa iyo dulucdii ma fahamteen
Dadyaw maydin barateen
Dalandoolka caydhiyo
Diifka iyo baahida
Waxa dumiya uursami
Dantoo loo midoobiyo isku duubni wada jira”.

Top


Afhayeenkii Madaxtooyada Oo Si heer Qaran ah Loogu
Aasay Xabaalaha Qaranka

Hargeysa, March 16, 2007 (Haatuf) - Alla ha u naxariistee, waxaa shalay si heer Qaran ah loogu aasay xabaalaha Qaranka ee Hargeysa, Afhayeenkii Madaxtooyada Marxuum, Marxuum Cabdi Idiris Ducaale, oo habeen hore abaaro 3:30 Habeenimo ku geeriyooday Cusbitaalka Edna Maternity ee magaalada Hargeysa.

Aaska Marxuumka oo ay ka soo qayb galeen, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, Xubno ka tirsan goleyaasha iyo xisbiyada siyaasiga ah iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin oo la filayay inuu ka soo qayb-galo aaska Marxuumka, ayaa ka baaqsaday, iyadoo aan la garanayn sababta. Hase yeeshee Madaxweynuhu waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii iyo gebi ahaan ummadaa Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa hadal duco iyo tacsi isugu jira u soo jeediyay eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland, gaar ahaana bahda saxaafada Somaliland. “Innaa Lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun, Marxuum Cabdi Idiris Ducaale, waxaan ka tacsiyadaynayaa, eheladii uu ka baxay, qoyskoodii, Madaxtooyada Somaliland iyo bahda warbaahinta. Marxuumku wuxuu ka tirsanaa bahda Saxaafadda, markaa tacsida weyn waxa leh bahda Saxaafada, oo waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan.

Sidoo kalena, waxaan ka tacsiyadaynayaa dhamaan shacbi weynaha Somaliland, oo waxaan leeyahay (Kullu Nafsin Daa’iqatul Mowt). Nin walba meeshuu lahaa ayuu tegayaa waabna lays daba socdaa, qofna waari maayo. Hadday cidi waari lahayd waxa waari lahaa Nebi Maxamed (NNKHA).Markaa waxaan leeyahay Ilaahay Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo dhamaanteen,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa Marxuumka Ilaahay uga baryay inuu naxariista macaan ugu deeqo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariistee waxa uu Marxuum Cabdi idiris Ducaale ku dhashay magaalada Berbera sanadkii 1984-kii, waxa uu waxbarashadiisii malcaamada iyo tii dugsiga hoose dhexe-ba ku qaatay Berbera, waxa uu waxbarashadii dugsiga sare ku dhameystay dugsiga sare Dugsiga Camuud ee Boorama sanadkii 1972-dii, 1/7/73-dii waxa uu ka mid ahaa koox weriyaala oo caan noqday, markii danbena ku biiray Radio Muqdisho.

Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa Barnaamij soo saare hawl kara, waxaanu marxuumku waxbarasho dhinaca saxaafada u tagay wadanka Germany dabayaaqadii todobaad-taneeyadii iyo waxbarasho kale oo uu tahay dalalka dibada.

1979-kii waxa uu noqday madaxa isku duwaha barnaamijyada ee Radio Muqdisho, 1980-kiina waxa uu noqday madaxa Radio Muqdisho, 1981-kiina waxa uu noqday agaasimaha waaxdii idaacadaha Soomaaliyeed.

Marxuum Cabdi Idiris Ducaale waxa uu noqday 1982-kii Tifaftiraha guud ee Wargeyskii Xidigta October.

Bishii May sanadkii 1993-kii markii Madaxweynaha Somaliland loo doortay Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shirweynihii magaalada Boorama waxa uu jagada Afhayeenka Madaxtooyada u magacaabay Marxuum Cabdi Idiris Ducaale oo uu ilaa imika hayey, waxaanay muddadaasi gaadhaysaa 14 sannadood.

Top


Shirweynihii 2-Aad Ee Ururka Dhakhaatiirta Somaliland
Oo Baaq Caafimaad Laga Soo Saaray

Hargeysa, March 16, 2007 (Haatuf) – Shirweynihii 2-aad ee ururka Dhakhaatiirta Somaliland ayaa shalay lagu soo gebagabeeyey Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa, kaas oo socday muddo laba maalmood ah, isla markaana lagu gurayay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa xeerka ururka dhakhaatiirta ayaa gabagabadii laga soo saaray qodobo baaq ah. Waxaana shirkaas lagu doortay guddidii fulinta ee ururka ee labada sannadood ee soo socda.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal war-saxaafadeed ah oo ay xubnaha ururka dhakhaatiirtu ka soo saareen shirweynahaasi, qoraalka war-saxaafadeedkaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“Shirkan mudadii labada maalmood ahayd ee uu socday waxa lagu lafo-gurey xeerka ururka dhakhaatiirta, isla markaana waxa halkaas lagu ansixiyey wax ka bedelkii lagu sameeyey iyo arrimo kale oo caafimaad. Waxa kale oo lagu doortay guddida fulinta ee ururka labada sannadood ee soo socda.

Guddoomiyaha iyo xubnaha guddida fulinta loo doortayna, waxay kala yihiin:
1. Dr. Saleebaan Cabdi Guuleed – Gudoomiye
2. Dr. Cabdi C/Laahi Cali – Gudoomiye Ku Xigeen
3. Dr. Maxamed Abiib Cismaan
4. Dr. Maxamed Yuusuf C/Laahi
5. Dr. Maxamed Muuse (Garaad)
6. Dr. Ibraahim Maxamed Qaws
7. Dr. C/Laahi Axmed Rooble.

Waxaana shirweynuhu ku baaqayaa in la sameeyo habkii loo ilaalin lahaa daawooyinka dalka soo gelaya ee aan u yeelan lahayn qaabkiii lagu ilaalin lahaa tayadooda. Baaqan caafimaad waxay dhakhaatiirtu u qaateen sanadkan in la xakameeyo xanuunka qaaxada, waxaana la xusay halku-dhega sanadkan ee adduunyadu u qaadatay xuska maalinta qaaxada adduunka oo ah inta ruux qabaa jiro qaaxo waa innala deris.

Waxa kale oo uu ururku ku daray baaqisii caafimaad in wax laga qabto cudurka HIV/AIDS oo ah mid ku lamaan xanuunka qaaxada ahna dilaa muddan in si wada jir ah loo waajaho. Waxa kale oo ururka dhakhaatiirtu soo saaray in wax lag qabto tubaakada iyo sidii loo joojin lahaa cabbista sigaarka”.

Top


Siyaaradii Sheekh Isaxaaq Oo Markii Ugu Horeysay Lagu
Qabtay Maqaamka Xaaji Daahir Ee Gabiley

Gabiley, March 16, 2007 (Haatuf) – Siyaaro lagu xusayo, Sheekh Isaxaaq Binu Axmed ayaa habeenkii xalay markii ugu horeysay lagu qabtay xadrada Xaaji Daahir oo ku taala duleedka dhinaca galbeedka ee magaalada Kalabaydh oo ka tirsan degmada Gabiley ee gobolka Hargeysa.

Siyaaradan oo ay soo qaban qaabiyeen, bulshada ku dhaqan deegaankaas iyo dadweyne kale oo ka tirsan magaalooyinka, Gabiley, Hargeysa iyo Boorame oo culimaa’udiinka ahlu suna wal jamaaca ah, waxa ka soo qayb galay, wasiiro, mudanayaal labada gole ah, madax dhaqmeedyo, odayaal tiro badan, maamulka degmada Gabiley iyo dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimid lixda gobol ee Somaliland.

Siyaaradan oo xilligan lagu qabtay maqaamka weyn ee Xaaji Daahir ayaa wasiirkii hore Diinta iyo Awqaafta oo xalay nagula soo xidhiidhay khadka telefoonka ayaa noo sheegay inay siyaaradii si fiican u socoto, isla amrkaana ay joogtayn doonaan, qabashada siyaaradan oo uu sheegay in sannad kasta xilligan oo kale lagu qaban doono halkaasi.

Top


Alla Bari Xusuusnow - Gabay

Waxa tiriyey gabayaaga da’da yar Maxamed Saleebaan Cumar

Erayada higgaadiyo
Hadalada aftahamkaan
Hal abuurayaayoo
Sida waayo aragiyo
Uurku baalle maqanbaan
Unkayaa dhawaaq culus

Iyadooy gedaa tahay
Ula jeedadayduna
Ku aroorto geediga
Iyo unuga dabayaal
Ma illaabin maansada
Indha saabna maan xidhan,
Inyaroon balaayada
Illinkeedii baasaa
Awdaayey mooyee
Arartii kamaan tegin
Mana tuurin eebada
Laygu eersanaayee
Nin afeeyey baa jira,

Onkodkiyo hillaacaba
Anigoo dhambaal faray
Ajar baan dalbanayaa
Idinkiisu mudankaa
Eebahayna ii yeel
Maankuna abaalkaas
Goor ay ahaataba
Waa asiibi doonaa

Aan hoos u daadego
Gabdhayohow islaameed
Wacadkii ilaahay
Unadkiinii baa jabay
Axalkiini baa tagey
In laydin afuufina
Ajashiina mooyaan
urugana dhabtiinay
amakaag la kudududaa
uurku taaladeeday
hadba oogadiiniyo
adhaxdiina saartaa

Eedaad ma sheegine
Ifafaale maqanbaa
Ka arkaa hir dheeroo
Ergay baan u ahay ruux
I dhageysanaayee
Waxa keenay iintaas
Ma idiin asteeyaa

Waa aasid gobanimo
Iyo iibsi soo baxay
Waa islaaxa haajiray
Waa aano iyo godob
Iyo utun kaloo timid
Indhahoo garaadkiyo
Aragaba wadaagiyo
Ibtiliyo dhib weeyaan
Or kalana siday tahay
Abidkeedba noloshuu
Goray cawl haldhaa arag
Ku ilaashanaayoo
Awalaanigiibuu
Aar gool ag-joogoo
Asal raadin-tii-buu
Arbe qalanjo doonoo
Arrintoo mur gaadhoo
Yac atoorku baafshoo
Urre baaqyadiibuu
Arre dayday helayoo
Eedaankii subax-buu
Sange geenyo uriyoo
Dhamideed ugaadhaas
Oo adeeryo lagu daray
Iyo uun kaloo badan
Aramida kalgacal-baa
Oofaha jejebisoo
Iyadaa dhalaalkiyo
ka idlaysay dheehoo
midba wuxu u ololaa
ka kale u ooyoo
Waxa uu u oomaa
Ka asay u qaadoo
amba qaad jacayl-baa
Isku aaminaanoo
Waxay isu-astaystaan
Waxa amaan ka xeeldheer

Malaa wayla orodee
Aqalkaad dhisaysiyo
Qoyskaad unkaysiyo
Aas-aasidaaduba.
Waa unuga samahiyo
iridaha dantiinee
Allay miciin noqoy

Allayle lammaanii
Kalgacaylka uumee
Muxibada aloosee
Aayaha xiddigiyee
Samir iishay baatiin
Anna maan gabnoobine
Salaan uurka hoosiyo
Obacda iyo wadnaha iyo
Ag-agaarka beerkiyo
Adhaxdiyo bogaygiyo
Oogada jidhkaygiyo
Aftidoodi sidataan
Ka hayaa adduunyee
Iyadana gudoon wacan

Inanyahay hubaashii
Umal-taahu waa ciil
Haaraanku uumee
Ogobeey in geeedigu
Urugiyo dhib badan yahay
Marna aayo tiin iyo
Intifaacsi leeyahay
Ugubeey wax garashada
Waa inaad aqoontiyo
Iimaanka dhawrtaa
Waa inaad asluubtiyo
Anshaxaba tix-gelisaa
Waa inaad ammaanada
Iyadana adkaysaa
Edebta iyo xishoodkana
Waa inaad u oontaa
Waa inaad afkaagiyo
Adinkaaga dhawrtaa
Waa inaad itaalkaa
Inta badan ogaataa
Waa in aad dadkaagiyo
Ehelkaaga soortaa

Oori iyo inaad tahay
Afo iyo masuul qoys
Amraneey daraadaa
Badi waad ogsoonayd
Aafooyinkii dhacay
Iyo eeshii daba-tiil
Dhulka oo abaarsaday
Inuu ubax is-yidhi beer
Biyahoo agtiisaa
Yeelkee is-yidhi oon
Amuurtaa is daba tiil
Dul istaagi maayee
Adigaba garaadkaa
Kollay waa ogaalkaa

Adiguna abwaanoow
Ka ilaai murugada
Ha af-duubin guulaha
Ha il-duufin xaajada
Ha abuurin maan dhaaf
Ha inkaarin geeddiga
Ha in-kirrin wanaagii
Abtisaam ku noolow
Allahay ma keenee
Marka ay adkaatana
Alla bari xusuusnow

Aduunyadu sideedaba
Ab-tirsiimo beeshoo
Nin aqoon lahaabay
Kol abaal u diidaa
Nin ayaan hagoogtay
Anfacada ka goysaa
Omoskiyo dhibkiisay
Ku il-waadsanaysaa
Ololkiyo dagaalkay
Allaheed ka tuugtaa
Dhaxan iyo awaaray
Aadame u seestaa
Iinteeda hoosay
Hadba ruux u aastaa
Aayaha la sugayey
Axdigiisa burisaa
Isha macalin noqotay
Iyadana inkaartaa

Rabbiyow af-garashada
Waxan ahay adoonkii
Ku adeeci jirayee
Aayaadka diintiyo
Xaqa iyo ixsaankaba
Oon-beel ka qaadee
Aadaabta dhawaree
Iidaan u yeeshee
Aadamaha badhkoodoo
Oofin waayay samihii
Asaraarka saaree
Ifka baaqyasiisaan
Ii ajiib ku leeyee
Aqbal yaa casiisow

Aradnaanta maankiyo
Oof-wareenka diintaba
Rabbiyow ka oodoo
Ubad iyo dhallaan siino
Nolol iin ka dheeroo
Samo idil gudoonsii
Abris gee halkiisii
Laba eefna dheeree
Ka abaar dadnimo iyo
Iimaan rabaaniya
Ha engajin raxmaanow
Ubaxii dhex yaalee
Ilo-doogsin uga yeel
Ogolaanshahaa sii
Ifka guul noolee
Aakhirana fardowsiyo
Ilihii macaanaa
Aamiin

Top


Xidlhibaan Xuseenow!

Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed

Xidhibaan Xuseenow!

Maansadan waxan ku halqabsaday, aniga oo ka hadlaaya xaaladda adag ee Somaliland ku sugantahay, Xildhibaan aan qadariyo oo ururka Udub ah oo la yidhaahdo Xuseen Ismaaciil Yuusuf. Waxan u soo jeedinayaa Fulinta, Sharcidejinta, iyo Garsoorka dawladdu in aanay xukunka dadku samaysteen ee u dhiibteen ku suryaynin oo ku bakhtiin. Waa inay iyagu, sidii awr hayina oo la rartay dadka u qaadaan oo horumar iyo barwaaqo hilikooda furaan. Eebbow dhamaanteenba ka yeel kuwa hadalka wanaagsan maqla ee ku dhaqma. Eebbow gurmo, Eebbow gargaar.

Xildhibaan Xuseenow nimaan xeeriyaad tahaye
Mar haddaad Golii xaadirtaad xaajo deeq noqotay
Xill baad maandhow qaadee Ilaah talada kuu xooji.
Aadmigu xag uu joogo iyo goortu xay yahayba
Xukun maamul inuu baahiyahay garay xiskiisiiye
Isagoo xoroo doonayuu xadhiga soohdaaye
Markaasuu xakame dawladeed xero u ootaaye
In xaqiisa loo dhowro oon baadil lagu xeerin
Ayuu xiise weyn muujiyaa tahay xisaabtiiye.
Ha yeeshe xullkii uu dirtaa leexsha xidhigiiye
Xakamihii la soohday sudhaan xuurto cunihiiye
Markaasay ku xiijaan naflii dhiibtay xaajada eh.
Awrkuba xakami diid haddaan xadhigu toosnayne
Xukun side ku raagaa haddaan xaqa la dhowraynin?
Xeel iyo dagaal iyo xisaab dani waxay xoojin
Goortii murtidi loo xishee xaasil laga yeelay
Boqorkii inuu keli xukumo xeeshii la ahaata
La xadee awoodduu lahaa oo xeerka lagu koobye
Xag kalaa haddana loo irkaday xawli socodkiiye
Xero talowadaag baa la furay uu distoor xidho eh
Xajiintii dulmigu uu lahaa xeer san lagu qaadye.
Intaas oo xad laga soo gudboo xaalad laga guuray
Xiisiyo kumay iman baryiyo xeelad iyo tuug eh
Xinjiraa u daatoo rag baa huray xayaabkiiye
Xaqudirir ayaa keenayoo xoojiyoo dhigaye
Xabaal waxay u doorteen inaan xaqa la baal marine
Idina xadhigii ay gunteen xoogsi ugu taamay
Xirsi noo noqdoo yaan la tirin xaqa qof uu yeesho
Xakiimkaan baryee xaaladdeen xadhigii yay dhaafin.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Nama Qabato Aanu Baabuurtiina
Gubno Doqon Ma Waayena Aanu Dhoobnaano

Waxa dhowr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay lagu gubay kililka shanaad gawaadhi laga leeyahay Somaliland oo kor u dhaaftay 70 gaadhi oo kii u dambeeyey uu lahaa Madoobe Ismaaciil Cali oo deegaan ahaan ka soo jeeda Burco, intaasna waxaa xukuumadda Somaliland laga codsanayey in ay wax ka qabato oo ama xoog ha isticmaasho ama saaxiibkooda xabashi ha adeegsadaane inay bal dhan uun ka soo dhalaasho oo arimahan tabashada ah wax ka qabato.

Lagala quusay oo wax jawaab ah oo arimahan laga bixiyey ilaa maanta ma mirto oo aan ahayn inay xukuumadeenu ku meeraalaysato inay isha uun ku hayso oo iska eegto Saxaafadda Somaliland iyo mucaaradka oo ay ka baqayso inay xukunka ka faro maroojiyaan, halkii ay wax u qaban lahayd mujtamaca Somalland oo kala daalay inay helaan adeegyo hufan oo wax ku ool ah.

Marka doorashooyinku soo dhawaadaan ayay xukuumaddu durbaano cusub soo samaysataa oo sanqadhooda laga joogi waayaa:

Petrol baanu soo saaraynaa oo maraakiib baa xeebeheena tuban, armay qashin qubayaan ama kaluun guranayaan!

Sibidh baa la soo saarayaa, tolow ma iskaraabkuun baa loo dan lahaa in la iibiyo!
Hadaan wado propagandada dowladu wado ee la xidhiidha doorashada soo socota wax dhammaanaya ma aha oo waa lagu daalayaa waana calaamadihii faqashtii lagu yiqiiney iyagoo marba isticmaali jirtay tabo ay ka mid ahayd labo kaclayntii oo kale.
Waxa inta sareba igaga filan halkan qodob ee soo socda:

Waxaa maalin walba aan la kulmaa dad degan qurbaha siiba UK oo intaa lagu soo qaylinayo oo la leeyahay Caruurtii gurigii waa laga xidhanayaa hadii aan la soo bixin Cashuurtii guriga, meeshu waa Burco – maan diidin cashuur bixinta iyo ka bajinta caruurta aan quutal daruuri loo haynin ee danyarta ah, waxaan ka cadhooday dayaca haysta adeegyada aasaasiga ah ee ay ugu horeeyaan wadooyinka, caafimaadka iwm, dawladdu ma waxay garan weydey bal cashuurta dadka laga qaadayo wax muuqda ugu qabta ama ka daaya dadka tacadiga.

Waan ognahay in madaxdeena siiba inta Udub uu mid waliba leeyahay ama uu u furan yahay marfish lagu qayilo oo ay jirjirka u jiifaan iyo guryo dhaadheer oo ay ka dhisteen hantidii qaranka, halkii ay si xalaal ah ugu adeegi lahaayeen bulshada xilka u dhiibatay.
Hadal iyo dan, labo qodob oo wax ku ool ah ayaan halkan ku soo gunaanadayaa:

1 – Waad ka soo bixi weydeen Udubeey maamul ahaan xilkii la idiin igmaday, waanuna garanaynaa ragii gubay gawaadhidayadayadii oo Hargeysay joogaan (Doqon mawaaye), ee yaan hadhowto hadal laga keenin ileen horaa la idinkala quustaye.
2 – Ta labaad waa shacabka Somaliland oo aad moodo inay maraysan yihiin oo geed la yidhaahdo qaad(Jaad) wax loogu qabtay oo aan danba ka lahayn cida maamulaysa iyo facaailka lagula kacayo.

GUNAANAD
Waanu idiin hiilinaynaa shacabyohow oo waxaannu balan ku qaadaynaa in adhi la laayaa adhi la laayaa buu leeyahaye inaanu Maandooriyeyaal (Drugs) siiba Cocaine, xashiish iwm aanu barno dalalka aynu jaarka nahay siiba Ethiopia iyo Kenya si aynu uga aar goosanno maandooriyaha ay inala duljoogaan ee qaadka inaanau mid ka xun keenno mandaqadda geeska Africa, dababdeed la arkee cidda cawaaqib xumadu ay ku dambayso.
Hadal iyo gun waxaan leeyahay shicibyohow toosa oo garta cida lugta idinku walaaqaysa iyo sidii aad uga aarsan lahaydeen.

Guul Somaliland iyo inta Baabuurta laga gubayba
JAB ONLF IYO DOQON MA WAAYE
Khaliil Mohamed (Maandooriye), London - UK

Top


Somaliland: Khiyaamada Qaran ee Rayaale iyo Xukumaddiisa
ay ka Gashay Ummada iyo Dalka #1

“Rumeysta ama ha rumeysanina; Heerka la idinla gaadhay yaqiinsada ama isla qabweynaada oo kiiska iska waala; U guuxa oo ayidda ama dhayalsada khiyaamada la idinla beegsaday; Ku soo toosa xumaha iyo nacabka oo baraaruga ama hurdadiinii iyo khuuradiini dheerayd dib ugu noqda; Ka dhiidhiya oo wax iska caabiya ama Sahashada dulmiga la idinku fulinayo kuna hadaaqa “Ma anaaga waalan, mise Cadan baa laga heesaya”; Khataraha la idiin dabaalsiinayo dhabarka u sii rita ama ka muquurta oo is daba qabta oo ummada iyo dalka badbaadiya”.

“Si kastaba ha ahaate, waxa la idinkula kacay ee idinku fulaya, waa burburkiina, baaba’iina, hoogiina, iyo jabkiina (Eebe kama dhigoe) taasoo la idinla rabo guumeysi dambe, dulmi dambe, gumaad dambe, dhaxal wareejin dhuleed oo dambe, iyo gunnimo baaxad weyn taas oo ah xaqiiqo cadaana oo aan asaraar la gelin karayn oo marag ma doonto ah; arrinkuna waxa weeye, marna taagtaa marna tamartaa iyo adiga lee waaye”.
Curyaamin Idaacad Qaran:

Ifka iyo Caalamka laguma arag ummad iyo dal dhan oo doonaya inay caalamka ka iibiyaan qadyadooda xaqa ah iyo jiritaanka dalkooda hooyo misna dalkoodi iyo ummadoodi uu cadow tamar yari kala dhantaalay qayb dhano balaadhana iska haysto oo Xukuumaddoodii looga baahnaa difaacooda, mideytooda, wargelintooda, iyo wacyi-gelintoodaba ay ku sii daawanayso idaacadaha farabadan ee nacabka iyo cadowgu uu u adeegsado shacbigeedii si ay baroobagaandahooda iyo munaafaqadooda ay ugu fidiyaan oo ay dhegaha kaga buuqaan oo ay khalkhaliyaan oo wadaninimadooda, midnimadooda, maskaxdooda, maankooda, iyo yuhuuntoodaba waxyeeleeyaan taasoo si kas ah oo marag ma doonto ah ay xukumadaasii 16 sannadood ka dib, ay weli meesha la soo yuururto Idaacad yar oo daciif ah (Radio Hargeisa) oo tiiro gaaban oo aan magaalo madaxda Hargeisa dhaafin oo aan ummadda iyo dalkana wada gaadiin; misna sannad walbana si been abuur ah miisaaniyada ugu darsata boqolaal kun oo doolar iyadoo ku andacoonaysa “waxaan soo iibinaya idaacad shacbiga iyo dalka oo dhan gaadha” sidaasna lagu lunsado hantida yar ee ummada iyo qaranka; misna muwaadiniinteediina ka hor taagaan inay iyagu keensadaan idaacado, mabdacado, iyo joornaalo gufeeya galdaloolooyinkaas nacabku iyo cadowgu ka soo dhex dusayo!! Hadaba, waxa halkaa inoogu cad shirqool habeysan oo lagu fulanayo ummaddan iyo dalkan taasoo ujeeda laga leeyahay uu yahay:

· In la curyaamiyo gebi ahaan Wasaarada Warfaafiinta iyo Wacyi Gelinta Jamhuuriyada Somaliland.
· In la curyaamiyo Idaacada Qaranka ee Radio Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland.
· In la curyaamiyo guud ahaan hawlaha kala duwan ee Qaranka ee Warfaafineed iyo Wacyi Gelinneed ee Jamhuuriyada Somaliland.
· In la curyaamiyo hawlaha Qaran ee la xidhiidha Kicinta, Abaabulka, iyo Baroobagaadaha Jamhuuriyada Somaliland.
· In la curyaamiyo hawlaha warfaafineed iyo Wacyi Gelinneed ee xisbiyada mucaaradka ee Jamhuuriyada Somaliland si aaney ugu adeegsan Idaacad Qaran oo ummadda iyo dalka wada gaadha.
· In la curyaamiyo dhamaan wararka ku saabsan hawlaha siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo bulsheed ee Jamhuuriyada Somaliland; iyo guud ahaan qaabka ay shacbigeenu ka helaan wararka gudaha iyo debeda.
· In loo fasaxo lagana hortegin Idaacadaha shisheeye si ay ummaddeena iyo dalkeena ugu fushadaan Warfaafiintooda iyo Wacyi Gelintooda iyo baroobagaadahooda nacabnimadu iyo cadowtinimadu ku jirto sida kuwa maamulka tamarta yar ee qabiileystaha ah ee Majeerteeniya, kuwa Dagaal Oogeyaasha Muqdisho, BBC-da, VOA-da cusub, iwm kuwaasoo waxyeelo weyn ku haya shacbigeena Gobolada Bari gaar ahaan Gobolka Togdheer, Gobolka Sanaag, iyo Gobolka Sool.

· In loo fasaxo Idaacadaha nacabka iyo cadowga barobagaadahooda xoogan ee joogtada ah si loo xumeeyo yuhuunta shacbigeena oo shaki iyo wis wis laga geliyo xornimadooda, nabadgelyadooda, geedi socodkooda, aayahooda, iyo qadyada iyo jiritaanka Somaliland loona adeegsado beer la xawsi ku saabsan midnimo been abuur ah, federaalnimo aan waxba ka jirin, iyo mabda’a Somaliweyn ee waa hore dhintay lana aasay.

· In loo fasaxo idaacada shisheeye ee naxliga iyo xumaha xambaarsan, in marka uu dagaal ina dhex maro, ay shacbigeena loo adeegsado barobagaando xoog leh oo xawli u socda si ay inoogu soo waalaan warar xambaarsan dhiilo, jab, hoog, iyo halaag inagu dhacay oo been abuur ah si loo niyad jebiyo loona cabsi geliyo ciidamadeena, shacbigeena, iyo qarankeena.

Sidaas daraadeed, halkaa waxa ku cad oo aan la asaraari karin: Khiyaamada Qaran ee Rayaale iyo Xukuumadiisu ay ka gashay Ummadda iyo Dalka Somaliland taasoo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto sharcigana la soo taago cidii dembigaas Qaran Dumiska ah weli inagu fulinaysa. Hadaba, marxaladan adag ee ina soo food saartay ee ka aloosan geyigan Geeska Afrika, ayaa inoo saamaxayn inaanu arrintan sii eegano waxaana loo baahan yahay Idaacad aanu u adeegsano hawlaha muhiimka ah ee Warfaafiinta iyo Wacyi Gelinta, iyo Kicinta iyo Abaabulka iskagana caabino barobagaandaha sumeysan ee idaacada shisheeye gaar ahaan kuwa Majeerteeniya iyo kuwa TFG-da; waana:

TALO
1. In mudo bil gudaheed ay Xukuumaddu ku keentaa Idaacad FM ah oo ummadda iyo dalka wada gaadha, inta Radio Hargeisa dib loo habeenayo.

2. In mudo bil gudaheed ay Xukuumaddu u fasaxdaa in muwaadiniintu keensan karaan Idaacad FM ah oo ummadda iyo dalka wada gaadha haddii, aaney iyadu wadaninimo, karti, dhaqaale u hayn.
(la soco qaybta # 2 oo aan kaga hadli doono Dekeda Qaranka ee Berbera….).
Faarax Cali Jaamac, Ottawa, Canada.
 

Top