Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1367 Mar.19, 2007

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Deeq Kuraas Iyo Miisas Ah
Gudoonsiiyey Xarunta Agoomaha Hargeysa

Muqdisho Oo Laga Dareemayo Diyaar Garow Dagaal Xilli
Dawladda Mbagathi Qorshaysay Inay Fuliso Hawlgalo Balaadhan Oo Ay Ku Tilmaantay Hub-Ka-Dhigis

Dhisme Laga Bineeyey Dhulka Keydka Madaarka Hargeysa
Oo Lahaanshihiisa Lagu Xidhiidhiyey Wasiir xukuumadda ku jira

“Adoonsiga Carruurta Ee Dunida Maanta”

Ururka Havoyoco Oo Wacyiglin HIV/AIDS Ku Qabtay Cusbitaalka Analena Center

Wakiilada Oo Doodii Ugu Kululayd Ku Soo Gunaadaday
Odoroska Miisaaniyadda 2007

Dadka Agoomaha SNM Ee Ku Jira Dhismeyaasha Miiska
Saraakiisha Oo Lagu Amray Inay Ka Guuraan, Ciidamo-Na La Dul Dhigay

“Waxa Jiray Xeer Ay Labada Gole Baarlamaan Ansixiyeen 2005 Oo Ay Tirada Xubnaha Komishanka Ku Kordhiyeen 2 Xunbood”
Mudane Siciid Cilmi Rooble

Naqdiga Miisaaniyada Dawladda Ee 2007

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Weli Xor Ma Nihin

Cayda, Gefka Iyo Aflagaadadu Ma' Xeer Hoosaad-Kaay
Ugu Jirtaa Golaha Fulinta [Xukuumadda]


 


 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Deeq Kuraas Iyo Miisas Ah
Gudoonsiiyey Xarunta Agoomaha Hargeysa

Hargeysa, March 19, 2007 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shalay deeq iskugu jirta kuraas iyo miisas ugu deeqay xarunta agoomaha Hargeysa, kuwaas oo wax loogu dhigi doono ardayda agoomaha ah ee xaruntaasi.

Munaasibada uu ku gudoonsiiyey gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe maamulaha xarunta agoomaha Hargeysa Maxamed Ismaaciil Kidifaar oo lagu qabtay xaruntaasi deeq dhan 40 miis iyo 40 kursi.

Maamulaha xarunta agoomaha oo deeqdaasi gudoomay ayaa sheegay in kuraasidan iyo miisaskani ay baahi weyn ka dabooli doonaan caruurta wax ku barata xaruntaasi, waxaanu yidhi “deeqdan 40-ka miis iyo afartanka kursi ka kooban ee uu gudoomiyaha xisbiga UCID ugu deeqay xaruntani waa mid baahi weyn ay u qabeen oo kaalin wax ku ool ah ka dabooli doonta ardayda waxbarashaduna waxay ka bilaabantaa miiska iyo kursiga wax lagu dhigto, sidaas darteed waxaanu uga mahad-celinaynaa gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe deeqdan wax ku oolka ah ee uu ardayda xarunta agoomaha ugu deeqay”.

Dhinaca kale, waxa isaguna halkaasi khudbad kooban ka soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga UCID, waxaanu yidhi “Kuraasidan iyo miisaskan aanu maanta ku wareejinay xarunta agoomuhu waxay ka dhalatay kormeerka aanu dhowaan ku soo marnay dugsiyada waxbarashada caasimada, taas oo aanu kormeerkayaga ku jireen xaruntan agoomaha, isla markaana aanu fasalkan ku aragnay 70 caruur agoomo ah oo sibidhka fadhfadhiya, kuraasina aanay u oolin. Sidaas darteed deeqdan waxa gacan naga siiyey samaynteedii shirkadaha Daryeel iyo Telesom, waxaananu go’aansanay in aanu ku caawimo ubadkan agoomaha ah, waxaanan uga dan leenahay sidii aanu ugu baraarujin lahayn ummadda inay caawimo u geysato xaruntan, waxaanan filayaa inay reer Hargeysa ku filan yihiin inay daryeelaan agoonta xeradan, waxaanan u soo jeedin lahaa bulshada ku dhaqan caasimada inay gacan ka geystaan waxtarka ubadkan yaryar iyo noloshoodaba.

Top


Muqdisho Oo Laga Dareemayo Diyaar Garow Dagaal Xilli
Dawladda Mbagathi Qorshaysay Inay Fuliso Hawlgalo Balaadhan
Oo Ay Ku Tilmaantay Hub-Ka-Dhigis

Daaraha dhaadheer ee Muqdisho oo lagu dul rikibay Qoryaha Tiirada Dheer Iyo Isgaadhsiinta Oo la amray Inay Bakhtiyaan Khadadkooda

Muqdisho, March 19, 2007 (W. Wararka) – Daaraha dhaadheer ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dul rikibay qoryaha ridada dhaadheer ee ay ka midka yihiin Dhashiikayaasha iyo BKM yadda, isla markaana degmooyin ka mida magaalada Muqdisho ayaa noqday degaano lama galaana oo ciidamada Mbagathi ay ka caagan yihiin, iyadoo Maleeshiyo beeleedyo baaxad weyni ay isku urursanayaan halkaas.

Ciidamadda dawladda Mbagathi iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa u soo ruuqaansaday xaafada hor leh oo ka tirsan KM4, Zoope, Banaadir iyo Tarabuunka, halka dhinaca kalana ay kulaalayaan suuqa wayn ee Bakaaraha la yidhaahdo, iyagoo soo degay agagaarka xaafadaha hawlwadaag iyo Wardhiigleey oo ku dhaw dhinaca Madaxtooyadda villa Somalia.

Ciidamadda Cabdillaahi Yuusuf oo aad u hubaysan ayaa la sheegayaa inay diyaar garow ugu jiraan duulaan ay ku qaadaan jidka dheer ee Wershadaha ilaa Degaanka Huriwaa iyo Caymis oo la rumaysan yahay inay xarun u tahay xoogaga sida ba'an uga soo horjeedda jiritaanka dawladda Mbagathi ee uu hogaamiyo Cabdillaahi Yuusuf.

Xoogaga Maleeshiyadda Hawiye ayaa la sheegay inay u diyaar garoobayaan dagaal ay kala hortagaan Ciidamadda dawladda Cabdillaahi Yusuf, maleeshiyooyinkaas oo la sheegay inay maalgelinayaan ganacsatadda gobolka Banaadir.

Dawladda Cabdillaahi Yuusuf ee awoodda ku soo yeelanaysa Muqdisho ayaa la sheegay in hawlgalkoodu uu yahay mid uu hogaaminayo Cabdillaahi Yuusuf, iyadoo qorshaha ugu horeeya yahay inay jaraan guud ahaan Isgaadhsiinta Muqdisho muddo 11 maalmood ah oo la fulinayo hawlgalo lagu nabadeynayo Muqdisho, sida ay ku andacoonayaan qaar ka tirsan Saraakiisha Ciidamadda dawladda Mbagathi.

Hawl-galadan ayaa la filayaa inay dawladda Mbagathi ku xaqiijinayso inay magaalada Muqdisho nabad ku soo dabaali karto iyo in kale, iyadoo toddobaadkii ina dhaafay baarlamaankeedu ugu codeeyay inay dawladda xarunteeda u rarto Muqdisho, hase yeeshee maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii xoogaysanaya weerarada gaadmada ah ee lagu qaadayo goobaha ciidamada Mbagathi ee ay taageerayaan Itoobiyaanku iyo ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ku jooga Muqdisho, weeraradaas oo la rumaysan yahay inay ka dambeeyay xooggaga ka soo hadhay Maxkamadihii la burburiyay oo muddooyinkan dambe isku urursanaya gudaha magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee xalay laga helay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mid ka mid ah shirkadda Isgaadhsiinta telefoonadu ay ku wargelisay macaameeshada inay hawada ka baxay abaaro 1:30 habeenimo ee xalay, fariintaas oo ay habka message-ka ugu dirtay dhammaan macaamiisheeda Mobile-da ayaanay ku xusin wakhtiga ay hawada ku soo noqonayso. Arrintan ayaa loo malaynayaa inay ka mid tahay amaradii ay dawladda Mbagathi ku amartay shirkadaha isgaadhsiinta inay bakhtiyaan dhammaan khadadkooda telefoonada si ay ciidamadeedu u fuliyaan hawl-galada ay sheegeen inay ku nabadeynayaan Muqdisho.
 

Top


Dhisme Laga Bineeyey Dhulka Keydka Madaarka Hargeysa
Oo Lahaanshihiisa Lagu Xidhiidhiyey Wasiir xukuumadda ku jira

“Ma Ogi Arrintaas, Reerkuna Wuu Badan Yahay, ee Bal Aan Hubsado”

Hargeysa, March 19, 2007 (Haatuf) – Dhisme sees ayaa Sabtidii ina dhaaftay laga bineeyey dhulka kaydka madaarka Hargeysa ayaa lahaanshihiisa lagu xidhiidhiyey Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cabdi Xasan Buuni.

Ciidanka bileyska ee Saldhiga madaarka Hargeysa ayaa laba ka mid ah dadkii seeskaasi jeexayey xabsiga u taxaabay maalintii Axadii, ka dib markii sida la sheegay uu Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Cali Maxamed Warancade uu amarka xadhigaasi bixiyey.
Sida uu Haatuf u sheegay Taliyaha Saldhiga Bileyska ee Madaarka Cabdi Muuse, Seeskan waxa laga yagleelay badhtamaha dhulka ka caagan dhismaha ee loogu talo galay kaydka madaarka oo jihada uu ka xigo ee Waqooyi bari dhan 500m. waxaanu taliyuhu intaasi raaciyey in seeskani u jiro siliga xayndaabka madaarka wax ka yar 100m, sidaasi darteedna ay nimankii ka shaqaynayey u soo xidheen.

Inkasta oo dhismahan seeskiisa laga yagleelay dhulka danta guud madaarka Hargeysa la sheegay inuu leeyahay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland, Cabdi Xasan Buuni, haddana Wasiirka oo xalay caweysinkii isaga oo Xaraf jooga Haatuf wax ka weydiisay, waxa uu sheegay in aanu ogayn, isla markaana aanu garanayn, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “Waxa la sheegayey waan maqlay, Wasiirkana waan u sheegay in aanan ogayn, isla markaana aanan garanayn, waanay dhamaatay arrintaasi”.

Inkasta oo uu Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu sheegay in aanu waxba ka ogayn arrinta seeskaasi, haddana sida laga soo xigtay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka bileyska ee saldhiga madaarka Hargeysa, labada nin ee loo xidhay dhismahaasi ayaa bileyska u sheegay in aanu dhulkani lahayn, wasiirku balse uu leeyahay nin uu wakiil ka yahay oo debada degani, isla markaana gaadhi uu Wasiirku leeyahay oo uu saaran yahay inanka xoghaynta u ah wasiirka xidhiidhka Golayaasha ayaa ugu tegay saldhiga markii labada nin oo magacyadooda ku kala sheegay Iid Axmed (Iskelif) iyo Aadan Cilmi ay bileysku soo qabteen.

Hase yeeshee, labada nin ee yagleelka seeska loo xidhay, oo weriyayaal ka tirsan Haatuf ku booqdeen shalay maqribkii saldhiga madaarka ee ay ku xidhan yihiin way dafireen inuu wasiirku wax lug ah ku leeyahay, waxaanay sheegeen inay leedahay gabadh ay magaceeda ku sheegeen Siraad Cumar, taasi oo dhismaha Qandaraas ku siisay Iid Axmed oo ka mid ah labada nin, isla markaana Haatuf u sheegay inuu isagu qandaraas ku qaatay, halka Aadan Cilmi-na sheegay inuu isagu tagsiile jaajuur u qaaday meesha yahay.

Warka ku saabsan lahaanshaha dhulkan ayaa si weyn u dhex xulay dadweynaha magaalada Hargeysa labadii maalmood ee ina dhaafay, iyada oo ay wararku leeyihiin, Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu si uu uga baxsado in lagu eedeeyo lahaanshaha dhulka la seesay, waxa uu ku qoray wiil iyo gabadh uu dhalay, hase yeeshee Wasiirka Xidhiidhka Golayaashu, isaga oo mar kale Haatuf uga jawaabaya su’aal ku saabsan waxa ka jira in dhulkani ay ku qoran yihiin wiil iyo gabadh uu isagu dhalay waxa uu ku jawaabay. “Ma ogi, arrintaasi reerkuna wuu badan yahay, ee bal aan hubsado”.

Goobtan Seeska laga bilaabay oo ay weriyayaal Haatuf ka tirsani shalay maqribkii booqdeen ayey ku soo arkeen sees wareegsan, oo dhulka ka kacsan haaf mitir.
Qiyaasta dhulka la seesay ayay dadka aqoonta u leh dhinaca dhulku ku sheegeen inay tahay 80X60feet.

Waxa kale oo goobtan ay weriyayaasha booqday ku soo arkeen foosto nooca biyaha loogu shubo dhismayaasha ah iyo ciid niis ah oo halkaasi yaala.

Seeskani keli kuma ah, calaamadaha laga sameeyey dhulkaasi la sheegay inuu ka caagan yahay dhismaha, hase yeeshee waxa ku yaala calaamado muujinaya in ay jiraan dad sheeganaya lahaanshaha dhulkaasi.

Waxaana ka mid ah calaamadahaasi mid sibidh ah oo ay ku qoran tahay Yuusuf F. Cali iyo weliba taariikhdii loo malaynayo in la sameeyey oo ah 17/02/2006.

Caalamadan sibidhka ahi, iyadaaba xagga madaarka ka xigta seeskan yagleelkiisa labada nin loo xidhay.

Mid ka mid ah shaqaalaha madaarka oo magaciisa la yidhaahdo Ismaaciil Maxamuud Maxamed, ayaa Haatuf u sheegay in goobta seeskani ku yaalaa ka mid tahay dhulka kaydka ahaan loogu dhigay madaarka Hargeysa, waxaanu weriyayaasha Haatuf farta ugu fiiqay dhisme ku yaalay meel aan goobta seeska laga dhisayey waxba ka fogayn oo xagga waqooyi bari kaga beegan Terminal-ka (dhismaha xafiisyada madaarka) wixii Koonfur ka xigaa madaarka kayd ahaan loogu dhigay.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah saraakiisha bileyska madaarka ayaa Haatuf u sheegay in dhismahaa uu Ismaaciil tilmaamay laftiisa muran ka taagan yahay, oo ay qayb ka mid ahi ku jirto dhulka kaydka madaarka.

“Xataa dhismahaa Afweyne (dhismaha ka ag-dhaw goobta seeska) laftiisa muran ayaa ka taagan, oo waxa la rumaysan yahay inuu qayb kaga jiro dhulka kaydka madaarka loogu talo galay,” ayuu yidhi mid ka mid ah saraakiisha bileyska madaarka oo codsaday in aan la magacaabin.

Mar aanu xalay isku daynay in aanu wax ka weydiino arrintan Wasiirka Duulista Hawada, Cali Maxamed Warancade, ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii uu Wasiirku qaban waayey telefoonkiisa.

Top


“Adoonsiga Carruurta Ee Dunida Maanta”

Raage C/laahi Oomaar

Filim Documentry ah oo ka waramaya meel ka dhacyada iyo dayaca ay carruurta dunidu la kulmaan maanta oo xataa Somaliland ku jirto oo BBC-du sii dayn doonto 26, March, 2007
“Adoonsiga caruurta ee dunida maanta”. Ereyadan waxa Cinwaan looga dhigay maqaal dheer oo uu adoonsiga carruurta ee casrigan aynu joogno ee dunida ka qoray, Suxufiga reer Somaliland ee abaal-marinta suxufinimada dunida ku guulaystay sannadkii 2004-kii, Raage C/laahi Oomaar oo filim documenteri ah BBC-da ka bixi doona 26/03/2007 adoonsiga lagula kaco carruurta dunida.

Maqaalkan oo aad u dheeraa, oo aanu idiin soo turjunayna wuxuu u qornaa sidan:-
“Adoonsi waa erey ay markiiba maskaxda dadku ay cabirto sawir gaar ah oo arxan darro ah.

Marka la sheego waxa aynu sawiranaa inaynu ka fekerno dad, gaar ahaan dad mad-madaw, oo la sharaf dilay, la jidh-dilay, la fara-xumeeyey ama nabaro loo geystay, waxa aynu ereyadan ku macnaynaa ereyga adoonsi oo siyaabo kalena loo yaqaano.
Uma aragno in adoonsigu ka jiro dunideena, ama wax maanta haba yaraatee jirta.
Welise waxa run ah haddii uu noolaan lahaa William Wilberforce maanta, una safri lahaa meelo kala duwan oo dunida ah, maaha oo keli ah Afrikqaybo Yurub ka mid ah, waxa uu arki lahaa carruur ku nool xaalado qalafsan, kuwaasi Welberforce u ara, balse sidoo kale qaybo ka mid ah Asia, bariga dhexe iyo Koonfurta Ameerika iyo weliba xataa ki lahaa, isla markaana aan hubo inuu ku fasiri lahaa Adoonsi.

Waxa la rumaysan yaha in ku dhawaad sagaal milyan oo carruur ah oo dunida dacaladeeda maanta ku nool la adoonsado.

Waxa jira qawaaniin laga caalami ah iyo xeerar la isku dayayo in qaanuun ahaan la isla waafaqo adoonsi.

Lafti ahaan qoraaladani waxay qeexaan adoonsiga dunida casriga ah, iyada oo ay jiraan xaalad meel aadamaha iyo shaqaalahoodu badhba-badh leeyahay ama meel qofkaasi aanu xoriyad uu kaga tago haysan, laguna khasbayo nolol xad-gudub, bah-dilaad ama la yaso.
“Adoonsiga galmada”.

Filimka waxa ka mid ah muuqaal aan BBC-da u sameeyey oo la yidhaahdo Dalyn, oo ah inan yar oo reer Cambodia, taasi oo sannado badan oo waano ah ka dib markii ay ka bogsatay awood u heshay, doonaysa inay ka hadasho sidii looga iibiyey nin ka ganacsada adoonsiga galmada, markii da’deedu ahayd 12 jir.

Dalyn waxa ay tusaale u tahay 1.2 milyan carruur ah oo urur weynaha shaqaalaha dunidu rumaysan yahay in si sharci darro ah looga ganacsado sannad walba.

Khiyaamo iyo khasab ay ku noqotay dumarka jidhkooda ka ganacsada, Dalyn waxa ay waqti badan oo nolosheeda ah meel hoosta ugaga xidhnayd, iyada iyo qaar la mid ahiba nin dumarka jidhkooda iibiya.

Macaluul, garaac, hanjabaad hub lagu fiiqo ilaa ay ogolaatay inay macmiil noqoto.
La soco…..
 

Top


Ururka Havoyoco Oo Wacyiglin HIV/AIDS Ku Qabtay
Cusbitaalka Analena Center

Boorama, March 19, 2007 (Haatuf) – Ururka dhalinyarada ee Havoyoco xafiiskiisa Boorama ayaa ku qabtay Xarunta Analena Center, Barnaamij wacyi galin oo ku saabsan xanuunka halista ah ee HIV/AIDS.

Sida uu ku soo waramay weriye Haashim Good waxa goobtaas isku yimid qaybaha bulshada ee kala duwan ee ku dhaqan magaalada Boorama, ugu horayna waxaa halkaas warbixin faahfaahsan ka bixiyay, madaxa xafiiska Havoyoco ee Borama C/raxmaan Axmed Jaamac, wuxuuna sheegay in ay lix maalmood ay meelo kala duwan ku samayn doonaan wacyigelintan oo kale, goobtaas waxa la isku dhaafsaday fikrado ku saabsan sidii loo xakamayn lahaa HIV/AIDSka.

Madaxa kormeerka iyo daba galka u qaabilsan komishanka Qaranka G/Awdal Mr.C/qaadir Sh.Xuseen ayaa sheegay in xanuunku uu marayo Borama 1%, isla markaana la wado wacyi galino badan, waxa isna goobtaas ka hadlay taliyaha Booliska boorama Muuse Hanfi oo sheegay in ay jirto dhibaato kufsi taasina ay keeni karto in dadka ku keeni karto korodh, maadaama aan la ogayn dadka wax kufsadaa in ay qabaan xanuunka, sanadkii 2006 waxa na soo maray ayuu yidhi 29 kiis oo kufsi ah, 21 waxay ahaayeen Borama, 3 kiisna Baki, 5 kiisna Saylac, sidaas darteed anaga oo aan ka waramin sharciyan kiisaska noocan ah hadan hadii uu dhib uu abuurayo waan u sheegaynaa bulshada, wixii la nooga baahdo ciidanka nabadgalyada ee lagu xakamaynayo xanuunkan HIV/AIDSka meel ayaan uga soo wada jeesanaynaa.

Caasha oo ah gudoomiyaha ururka Kaalmo ayaa iyadna ka warantay sida ururku uga hawl galo gaadhsiinta haweenka iyo caruurta halista HIV/AIDSka, dhawaana waxaan bilaabaynaa ayay tidhi Caasha mashruuc gobolka oo dhan lagaga wacyi gelinayo xanuunka HIV/AIDS.

Gudoomiyaha Golaha Degaanka Boorama C/raxmaan Shide Bile ayaa soo xidhay Aqoon isweydaarsiga, wuxuuna ka sheegay madashaas sida goloha degaanka Boorama uga qayb qaataan wacyi gelinta, isagoo intaas ku daray in hawlaha degmada ka socda ee dhinaca samaynta dariiqyadu yihiin kuwo wax ka taraya ka hortaga xanuunka, wuxuuna ku dardaaray Ururada Bulshada ee wacyigelinada sameeya in ay Ardayda dugsiyada iyo meel walba la gaadhsiiyo wacyi gelinta xanuunka halista ah ee HIV/AIDSka.

Top


Wakiilada Oo Doodii Ugu Kululayd Ku Soo Gunaadaday
Odoroska Miisaaniyadda 2007

“Haddii TV-ga qaranka iyo Maandeeq ay saxaafad inoo noqdeen qaran nooceeya ayaynu noqonaynaa” – Mud-Khadar Adan Xuseen

“Waa Inaan miisaaniyada la siidayn, gudiga dhaqaalahana tooda la qaadan ee dib ha loogu celiyo wasaaradda maaliyadda” Mud. Maxamed Cali Xirsi

Hargeysa, March 19, 2007 (Haatuf) – Mudaneyaasha Golaha Wakiilada oo afartii maalmood ee ugu dambeeyay ku guda jiray dooda falanqaynta odoroska miisaaniyada dawladda ee 2007 iyo waxka badalkii ay gudida dhaqaaluhu ku sameeyeen ayaa fadhigoodii shalay ku soo gunaanaday doodii ugu kululayd ee ay ka yeesheen miisaaniyadda dawladda.

Fadhigan oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha waliilada Md Cabdi-Raxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) ayay nuxurka afkaaraha doodahoodu ku soo biyo shubanaysay laba aragtiyood oo kala ahaa in miisaaniyadda sanadkani aanay lahayn siyaasad cad oo laga duuli karo isla markaana aanay haba yaraatee shaxda lagu saleeyay kharashaadka wasaaraddaha iyo hay’adaha dawladda ee madaxa banaan, aanay cadaalad ahayn, isla markaana ay haboontahay in laraaco soo jeedinta gudida dhaqaalaha, halka ay afkaaraha labaadna ay soo jeedinayeen in miisaaniyadda qaabkii hore ee ay wasaarada maaliyaddu ku soo shaxaysay loo ansixiyo meeshana laga saaro soo jeedinta guddida dhaqaalaha golaha wakiilada.

Dooda shelay oo ay ka qayb galeen mudanayaal doora ahi ayaa waxay mudanayaashu doodahooda ku xusayeen, doorka ay saxaafadda madaxa banaani ka soo qaadatay geedi socodka dimuqraadiyada iyo dibu dhiska dalka. Isagoo soo jeedinayay in saxaafadda madaxa banaan iyo ta dawladdaba miisaaniyada lagu daro.

Mud: Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa isagu ku dooday “Miisaaniyadani waa tii ugu badnayd intay Somaliland jirtay ee la soo hordhigo golaha wakiilada, haddana marka loo eego qaran ahaan waxaad moodaa inay aad inoogu yartahay oo aanay ahayn miisaaniyadii dhabta ahayd ee loo baahnaa ee aynu icrtiraafka ku raadinaynay. Marka aqoonsi doonayno waxyaabaha la-eego ayay ka mid tahay miisaaniyadu, guddida dhaqaaluhu shaqo fiican ayay qabteen, hadan waxaad moodaa in ay hawlahodii ay aad uga gaabiyeen, waxay ahayd intaan miisaaniyadu iman in guddida dhaqaaluhu safaro u kala baxaan oo ay shaqo tagaan, wasaaradda maaliyadana waxba ka sugin siiba ay tagaan goobaha dakhli soo saaraka, xaqiiqdana soo ogaadaan wixii ku kordhay iyo wixii ka dhacayba. Waxaan qabaa wixii imika ka danbeeya in hawsha halkaa laa qado oo aan la sugin wasaaradda maaliyadda intay keenayso miisaaniyada. Talo-bixinta guddida dhaqaalaha waxaan ka eegay dhawr meelood waxaana is idhi waxay yara dhafsiisan yihiin daqiiqii saxda ahaa sharciyayn ma qabo in la yidhaahdo doorashada madaxtooyada ee 2008 ka ayaan lacag meel u dhigaynaa waxay ahayd in ay wasaaradda maaliyadda talo-bixin ku siiyaan, takale ee ay leeyidhiin ictiraaf raadinta sida hadalka loo dhigay ilama qurux badna ictiraaf raadintu meel ayay leedahay oo ah inay iyagu qabtaan inaana aan ku daba galno. Qasriga madaxtooyada miiisaaniyadii 2002 waxa uu ahaa (3.2%) sadax bilyan iyo labo boqol oo milyan, maantana waaa (2.6%) laba bilya iyo lix boqol oo milyan, markaa aday iska dhimeen way dadaaleen, mana aha in sanad walba nidhano qasriga madaxtooyda lacag ayaa lagu soo qoraye aynu badh ka jarno. Waxaan soo jeedinayaa in la sii daayo oo la ansixiyo miisaaniyyadda”.

Mud Aadan Maxamed Hoore (Mataan) ayaa isna doodiisa ku bilaabay “Guddida dhaqaaluhu ragayagii guddidaa ka mid ahaa miisaaniyadu markii ay imanaysay ayaa laga bedelay guddida waana ayaan daro. Guddida tay qaban lahayeen ee ugu mihiimsani waa misaaniyada golaheena waxna weli kama ay qaban waxayna ahayd in ay lixda bilyan ee golaha ay ka shaqeeyeen oo gunadeena iyo mushaharkeena ay faro geliyaan ma ahayn in miisaaniyadii dawladda ee golihii wasaaradduhu isla soo ogolaadeen inay faro geliyaan ee waxa ay ahayd inay talo siiyaan. Hadii aan tii hore ku sii dhaqmi lahayn kuma ay jirin miisaaniyaddaa 2006 kordhinta mushaaroyika, hadii aan maanta is hortaagnana dhiibaartadeeda ayay leedhay. Guddida dhaqaalha waxaan kula talinayaa inaynaan kharashka oo kaliya aynan ka fekerin ee aan ka fekero dhaqaale soosaaridana”.

Mud: Yuusuf Cali Tuke ayaa isna ku dooday “Waxaan moodayaay in miisaaniyadu ay ku dhisantahay himilada dawladdaasi ka leedahay horumarka dalka kaas oo aas-saas kiisu yahay qorshaha horumarineed eedalkaasi leeyahay, waxaan filayay sanadkan in dadkii wax loo qabto oo waxna lagu celiyo, taas ayayna ku dhsnaan lahayd cashuurta laga qaadayo maanta.

Waxa ku qoran miisaaniyada 4% oo iyadana ah biriijyadii aynu ururinay inteeda badanina wasaarada maaliyada ayay dib ugu noqonaysaa hadaad dib ugu fiirsataan waxaana lagu hormarinayaa hawlahaeeda sanadka soo socda.

Waxaan soo jeedinayaa in miisaaniyadda la ansixiyo oo la sii daayo marka lagu daro soojeedintii gudida dhaqaalaha oo shaxda lagu soo daro, mana aaminnayno lifaaq dambe ee waa in ay buugga galaan.”

Mud: Max’ed Cali Xirsi ayaa isna ku dooday “Qodob dastuuriya ayaa waxa uu golahan awood u siiyay inay eegaan miisaaniyada oo ay ka doodaan waxna ku kordhiyaan, markaa waa in aynu miisaaniyadii aan hubinaa oo aan nidhaahnaa halkaa iyo halkaa ayay ka khaldantahay wasiir.

Waajibaadka golaha: waa n aynu caqli io maskax aynu ku dijeno miisaaniyada oo aynu ku salaynaa baahidii dalka iyo goboladii aynu ka ka nimid , hadii taa la waayo oo lay yidhaahdo sii daa ana aan idhaahdo hesii dayn wax macna ah ooo ay samaynaysaa ma jirto.

Waxaa kale oo waajjib ah in aynu dib u eegno miisaaniyadii sanadkii hore oo aanay tana inaga noqon tii hore oo kalke oo aad loo eego loona adkaysto.

Waxa xaaraan ah guddi guddigi dhaqaalaha ee sanadkii hore ogaa ayaa iminkana leh hala siidaayo oo ka dhigay waslad xaaraan ah, waxa kale oo taariidh ah lifaqii ay u codeeyeen 62 mudane oo wax alaale iyo wax ka suurto galay aanu jirin. Guddiga dhaqaalaha waxa ay sanadkii hore ku heshiiyeen in sanadka danbe ay la shaqaynayaan oo ay wax meel isla dhgiayaan, may dhcin ma guddiga dhaqaalha ayaa been sheegaysay oo waaanay wasaaradu kula heshiin no sheegaysay mooyi, ma wasaaraddii maaliyadda iyo dawlada diiday , hadayse diideen maxaan ka qaban karnaa.

Sida aan wasaarada iyo wasiirka tiisa uga soo horjeedo ayaan ta dhaqaalhana uga soo horjeedaa mana fahmin mana fahmin inaan iska raacana waan diiday. Wasiirku waxa uu halkaa ka sheegay in ay ka qaadaan total 300.000$ guddida ayna ahayd inay kula xisaabtamaan oo ay yidhaahdaan miisaaniyada ku soodaraan, waxa kael oo uu sheegay n ay dekeda kasoo baxdo 7.000.000$ miisaaniyadana ku jirto 2.500.000 waxa halkaa ku cad in miisaaniyada dalka ay tahay 40.000.000$. Waxaan qabaa sanadkii hre waxaan u kordhinay shaqaalaha iyo ciidamada 30% iminkana aynu u kordhio 30% oo uga dhigno 6%. Waxaan soo jeedinayaa inaan miisaaniyada la siidayn, gudiga dhaqaalahana tooda la qaadan ee dib ha loogu celiyo wasaaradda maaliyadda oo muddo hala siiyo oo miisaaniyadda cusub oo ay baadheen haynagu soo celiyeen iyadoo guuga ku jirta.”
Mud: Khadar Aadan Xuseen ayaa isna waxa uu ku dooday “Guddiga dhaqaalaha: miisaaniyadii 2006 waxa jirtay waxyaabo badan oo lagu heshiyay oo kabaxay meeshii waxa ka mid ahaa lifaaqii lagu siidaayay miisaaniyadaba ee aynu garanayo, waxa ka mid ahaa go’aamidii hay’adaha aan sharciga ahayn ee miisaaniyada ku jiray 2006 oo lagu heshiyay in musharka shaqaalahoda uun la siidaayo, waxa kale oo ku jirtay eshiiskii ahaa laga bilaabo bisha 7aad in wasarada iyo guddidu isla jaan qaadaan oo wadabilaabaan msaaniyadda 2007 oo aanu murankaba yimaadeen, waxaasoo dhami meesha way ka baxeen.

Xisaab xidhkii waxa maqnaaday 11.000.000.000, waxaanu ku nidhi nantidharaha ka soo jawaab isaguna kamuu soo jawaabin.

Miisaaniyada 2007: guddidu inooma sheegin wasiirkuna inooma sheegin lacagta adag ee dalka soo gashay iyo sarifka lacagta adag taaa wax cad laynagama siin, shidaalka waxa laga qaado iyo qaabka loo qaado cashuurta taasina sidii ayay inooga madawdahay, Total iyo arrimaheeda waa sideedii, dededa Barbera iyo hawlaheeda waa sideedii, ha’adihii aan sharciga ahayn ee ay ahayd in wax laga bedelo adana imnka way ku jiraan.

Arrimaha Bulshada: umada waxa ku nqonaya waa 8% , markaan aragno waxyaabahaas oodhan waxay ahayd intaan iska ilaawno tooda distuurka ayaa na siinaya inaynu samayno miisaaniyad qaran oo mudo ku celino 50% halka ay iyagu ku celiyeen 8%.

Qasriga madaxtooyada, maamulka abadgelyada iyo madaxweyne ku xegeenka ayaa 70% miisaaniyada leh, umadana waxa ay ku celiyeen8%.

Waxaan soo jeedinayaa in la qaato talo soo jiidinta guddida dhaqaalaha hadaynu xal qaran ka fekrrayno. Saxaafaddana waa in hoos loo eegaa oo wax misaaniyada loogu daraa, hadii ay saxaafad inoo noqodaan TV qaranka iyo Maandeeq, qaran nooceeya ayaynu noqonaynaa.”

Sidoo kale waxa iyaguna madashii fadhiga golaha wakiilada dooddooda ka dhiibtay mudaneyaasha kala ah Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), Maxamed Cumar Aadan iyo Cali Maxamed Aadan.

Geba-gebadii ayuu Gudoomiyaha Golaha wakiiladu ka sheegay fadhigaas in doodii soo geba-gabowday, fadhiga maantana cod loogu qaadi doono ansixinta Miisaaniyadda 2007.

Top


Dadka Agoomaha SNM Ee Ku Jira Dhismeyaasha Miiska
Saraakiisha Oo Lagu Amray Inay Ka Guuraan, Ciidamo-Na La Dul Dhigay

“Goor Aan Habeena Ahayn Maalina Ahayn Ayaa Koofiyad Cas Lana Dul Dhigay”

Hargeysa, March 19, 2007 (Haatuf) – Taliska ciidanka qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay amar ku siiyeen dhowaan dadka dan-yarta ah ee degan dhismeyaasha guryaha Ex-miiska saraakiisha inay ka guuraan halkaas.

Dadka ku jira guryaha ex-Miiska Saraakiisha oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa lixdameeyo qoys oo ka kooban agoomihii iyo Mujaahidiintii SNM iyo dad kale oo dan-yar ah, ayaa halkaas degay xilligii dalka dib loogu soo laabtay 1991.

Sida ay wargeyska Haatuf u sheegeen dad arintaas xog-ogaal u ahi abaanduulaha iyo hogaamo ka tirsan ciidanka qaranka ayaa dhowaan ku wargeliyey dadkaa degen miiska saraakiisha in ay ka guuraan lana siin doono calaa qoys hal baloodh oo dhul ah oo ay degaan.

Hase yeeshee maalintii shalay abaaro 10 subax nimo ayaa dad isugu jira dumar, Caruur iyo dhalinyaro ka tirsan qoysaska degan miiska saraakiisha waxay isu-soo-bax cabasho isugu soo baxeen jidka hormara Miiska Saraakiisha, halkaas oo ay weriyayaal ta tirsan Haatuf oo tegay kula kulmeen dadka cabanayay, waxaanay dadkaasi sheegeen inay cabashadoodu la xidhiidho ballanqaad uu abaanduulaha ciidanka qaranka ku bixiyay in dadka halkaas degan dhul ay degaan la siin doono, balse balan qaadkaa ay fulin waayeen masuuliyiintaasi.

Mid ka mida dadka halkaa degen ayaa waxa uu yidhi “Halkan waxaanu degnay 1991-kii diyaarna waanu u nahay in aan ka baxo, laakiin dariiqii aan kaga baxaynay nalooma soo marin ee inta ciidan koofiyad cas ah nala soo duldhigay ayaa nalagu yidhi ka baxa iyadoo uu abaanduuluhu hore noogu yidhi dhul ayaa la idin siinayaa aad degtaan ee arrimaheena si dhuuban ayaynu u dhamaysanaynaaye Jaraa’idka iyo TV-ga waxba ha uga waramina.”
Hooyo ka mida ogoomihii mujaahidiintii SNM ayaa iyada oo arrintaa ka hadlaysa waxay tidhi: “Abaanduulaha ciidanka qaranku waxa uu nagu yidhi, hadaad ka bixi weydaan waxaanu idinku soo daadin doonaa buuraha dabadooda.”

Wiil ka mid agoomihii SNM ayaa isna isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Goor aan maalina ahayn habeena ahayn ayaa ciidan Koofiyad cas ah nala soo dul dhigay oo nalagu yidhi , guryahan waad banaynaysaan, taas ayaa maanta (shalay) aanu ku muujinaynaa cabashadayadan, waxaanan leeyahay madaxda xukuumadda iyo golayaasha qaranka si degdega arrintan wax ha looga qabto.”

1991-kii ayaa dhismayaasha Miiska Saraakiisha waxaa degay qoysas iskugu jira Mujaahidiintii SNM, dumar agoomo ah oo ragoodii ku waayay halgankii dib u xoraynta Somaliland ee SNM hormuudka ka ahayd iyo dad kale oo maati ah.

Top


“Waxa Jiray Xeer Ay Labada Gole Baarlamaan Ansixiyeen 2005
Oo Ay Tirada Xubnaha Komishanka Ku Kordhiyeen 2 Xunbood”
Mudane Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa, March 19, 2007 (Haatuf) – Gudoomiyaha guddida arimaha gudaha gudaha golaha wakiilada Mud: Siciid Cilmi Rooble ayaa sheegay inuu jiro xeer ay labada gole baarlamaan midkiiba 2/3 ku ansixiyeen sannadkii 2005 oo tirada xubnaha komishanka doorashooyinka lagaga dhigay 9 xubnood, halkii ay awal hore ka ahaayeen 7 xubnood, isagoo intaa ku daray in madaxweynuhu xeerkaasi uu dib ugu soo celiyay golaha wakiilada sidii qoddobkaas xeerka looga saari lahaa, balse wax ka bedelka xeerkaasi lagu sameeyay aan golaha guurtida loo gudbin.

Mudane Siciid Cilmi Rooble waxa uu sidaas ku sheegay war saxaafadeed qoraala oo uu shalay soo saaray, kaas oo isagoo dhamaytiran u qornaa sidan “Waxa jiray xeer ay hore u ansixiyeen labada gole ee baarlamaanku (wakiilada iyo Guurtidu) sanadkii 2005 oo helay cod dhan (2/3) saddex meeloodoow laba, halkii goleba.

Xeerkaas waxa tirada guddida doorashooyinka ee ay axsaabtu soo xulayaan loogu kordhiyay labo xubnood taas oo ka dhigaysa tirada guud ee koomishanka sagaal xubnood halkii ay hore uga ahaayeen todoba xubnood taas oo ka dhigaysa tirada guud ee koomishanka sagaal xubnood halkii ay hore uga ahaayeen toddoba xubnood, taas oo ay micnaheedu noqonayso in qaabka loo soo kala xulayaana ay noqonayso:

4 xubnood oo ay soo xulaan xisbiyada mucaaridka ahi
2 xubnood oo ay soo xulaan golaha Guurtidu.
3 xubnood ee kale oo uu madaxweynhu soo xulo.

Haddaba xeerkaas oo sidaynu ogeyn uu madaxweynuhu u gubdiyey Maxkamadda Sare ayaa waxa dhacday inay maxkamadii sare xeerkii ku samaysay isbedelo, iyadoo aan taabanin qodobkaas ka hadlaya kordhinta labadaas xubnood ee guddida doorashooyinka.
Qodobkaasi wuxuu haystay taageerada labada gole Baarlamaan oo midkiiba ugu codeeyay min 55 xubnood iyo wax ka badan. Waxa haddaba mudo gaaban ka bacdi dhacday in uu madaxweynuhu u soo celiyey Golaha wakiilada in qodobkaas laga saaro, golaha wakiiladuna uu ka aqbalay iyadoo aanay arrintaasi waafaqsanayn distoorka, sababtoo ah.
1. Ma soo cellin karo madaxweynuhu qoddob sharci ah oo labada gole ay min 2/3 ku ogolaadeen sida uu dhigayo qod.77aad, farqadiisa 4aad.

2. Ta labaad ee dhacdayna waxay tahay, soo cellintaas madaxweynhu waxay ku koobnayd oo qudha golaha wakiilada looma gudbin golaha guurtida.
Sidaasi awgeed, qodobkani wuxuu la mid yahay sharcigii hore ee uu madaxweynuhu taaban kari waayay ee uu u gudbiyay Maxkamadda Sare, taabashadaas danbe ee golihii wakiiladuna waxba uma dhimayso.

Sidaas ayuu qodobkani u taagan yahay (Valid) isla markaasna si toos ah ayuu dhaqangal u yahay maadaama ay muddadii 21 cisho ahayd ee uu madaxweynuhu ku faafin lahaa dhaaftay, waana in lagu camal falaa.”


Top


Naqdiga Miisaaniyada Dawladda Ee 2007

Cali Guuleed, San Jose, CA

Qaybtii 2aad

Kharashka Maashaariicda
Kharashka Xukuumadu tidhi waxa ay u qoondeysay Mashaariicda waxa uu dhan yahey (5,751,331,162). Hase yeeshee may cadeyn tirada mashaariicda iyo mid walba inta uu yahey. Kharashka ku jira miisaaniyada ee lagu sheegi karo mashaariic waxa ka mid ah a) Laydhka Berbera (1,539,239,000) b) Kharashka Aburiin (208,212,162) c) Biriijka Burco/Hargeysa (650,000). Intaasi waxa ay isku noqonaysaa marka la isku daro (1,753,951,162). Markaa kharashka dhan (5,751,331,162) ee ku xusan bogga shannaad (5) waa in ay xukuumaddu tafaasiil ka bixiso. Waxa xusid mudan in kharashka lagu bedelaayo Lacagta Giimbaarta ah ee Togdheer oo dhan (5,027,880,000) aan lagu sheegi karin Mashruuc la manaafacsado.

Kharashka Ku Baxay Laydhka Berbera
Kharaska ilaa maanta ku baxay Balaadhinta iyo hirgelinta Laydhka Berbera waxa uu dhan yahay (5,716,315,000) ilaa maantana weli Berberi laydh ma laha. Haddii lagu sarrifo sida xukuumaddu wax ku sarrifto oo ah US$1=3,500 SLD waxa ay dhan tahey US$1,633,232. Taasi oo kala ah sidan:
Miisaaniyadii Sannadkii 2005 – 2,000,000,000
Miisaaniyadii Sannadkii 2006 – 2,177,476,000
Miisaaniyada Sanadkan 2007 – 1,539,239,000
Wasaaradaha kharashka ugu badan laga dhimay qaarkood iyo mid walba intii laga dhimay oo hoos ku qayaxan:
Hawlaha Guud – (2,012,113,400
Golaha Wakiilada – (374,655,600)
W/Kaluumaysiga – ( 330,833,102)
W/Ganacsiga – (273,956,852)
W/Xoolaha – (249,356,800)
W/Beeraha – (129,919,852)
Komishanka La dagaalanka AIDSKA – (64,995,283)
Guddiga Qandaraasyada – (48,600,000)
W/Arrimaha Dibadda – (32,545,564)
Wasaaradaha kharashka ugu badan loo kordhiyay iyo mid walba inta loo kordhiyay:
Ciidanka Qaranka – (7,957,596,053)
W/Maaliyada – (6,403,724,628)
Ciidanka Booliska – (5,199,346,974)
Ciidanka Asluubta – (4,220,095,473)
W/Waxbarashada – (2,126,886,973
W/Gaashaandhiga – (2,054,122,141)
Golaha Guurtida – (1,979,642,000)
W/Warfaafinta – (462,946,000)
W/Madaxtooyada – (322,136,134)
W/arrimaha Gudaha – (70,783,216)

Waxyaalaha Aadka loola Yaabo ee Miisaaniyada Ku Jira Waxa Ka Mid ah
a) Dejinta Golayaaasha (1,216,200,000). Golayaaasha midna dhawr iyo toban sannadood ayuu dhisnaa midna laba sanno iyo in ka badan markaa in maanta la yidhaahdo waxa loo qoondeeyay lacag lagu dejinaayo waa mid la yaab leh – (eeg miisaaniyada Golaha Guurtida)
b) Tababarka Warshadleyda (9,682,400). Dadka warshedleyda ah sidiibaa loogu kharash gareeyaa lacagta ummadda iyaga ayaaba wershado leh’e ( eeg miisaaaniyada W/Ganacsiga)
c) Wasiira Dawlaha Arrimaha Dibbada (74,480,000). Waxa jira dhawr iyo tobban wasiir ku xigeen hadana kan oo qudha ayaa miisaaniyad gooni ah loo sameeyaa (eeg miisaaniyada Khaarajiga).
d) Lacag Celinta Dakhliga Sanadaha hore (145,000,000). Tan ma fahmin, Maxaa loola jeeda?. Ma kharashbaa, ma dakhlibaa…? ( eeg miisaaniyada Maaliyada)
e) Qareenka Saboolka/Garsoorayaasha Dadweynaha (63,459,200). ( eeg Maxkamada Sare iyo Maxkamadaha Hoose)
f) Hay’ad Samafal ah oo la yidhaahdo Hay’ada dumarka (NOW) oo aan aheyn hay’ad ka madaxbanaan Madaxtooyada ayaa shilinkii shacbiga lagu kharash gareeyaa (108,000,000) iyada oo lagu naasnuujinaayo cid gaar ah (eeg miisaaniyada Arrimaha Gudaha)
g) Waxa iyana wax lala yaabo ah saddex lambar oo kala ah 1) 7,448,000 2) 22,344,000 iyo 3) 14,400,000 oo hadba soo noqonoqonaaya.. Lambarka (7,448,000) waxa uu soo noqonoqonayaa lix iyo afartan jeer (46 times) waxaanu u badan yahay kharashka yar yar, iibsiga qalabka nalka iyo biyaha, isticmaaalka nalka iyo biyaha, buugaagta, wacyigelinta & daabacaada iyo waxyaale kale oo badan. Waxa haddaba cajiib ah in Wasaarada dibbada, ta Gudaha, Maxkamada Sare iyo qaar kale loo wada qoondeeyay kharash isku mid ah iyada oo aan loo eegin sida ay wasaaraduhu u kala weyn yihiin iyo baahidooda midna
h) Kaalmada Rugta Ganacsiga (Chamber of Commerce) (40,000,000). Rugta Ganacsigu waxa ay u adeegtaa ganacsatada markaa ma aha in shilinka shacbiga lagu lumiyo.
i) Barnaamijyada Hawlaha Shaqada (2,866,093,197). Markii baahi walba la cayimay ee kharash loo qoondeeyay ayaa wax lagu sheego “Hawlaha Shaqada” oo aan sal laheyn lagu qoray lacagyow aan xad laheyn. Waxa taasi la mid ah kharashka yar yar. Barnaamijyada Hawlaha Shaqada waxa leh in ka-badan labaatan (20) wasaradood oo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, Maxkamada Sare, Ciidanka Asluubta, Gudida Qandaraasyada iyo qaar kaleba
j) Habeen Dhixida Naafada (7,448,000) iyo istayshineriga Naafada iyo Agoomaha (7,448,000) (eeg W/Gaaashaandhiga)
k) Waxa wax lala yaabo ah iyada oo mushaharka Madaxweynuhu yahey (,2,600,419,200) oo Madaxtooyadana loo qoondeeyay (12,742,595,092) ayaa haddana ay miisaaniyada dheeraad ah oo dhan (400,000,000) ugu jirtaa miisaaniyada Hawlaha Guud oo lagu magacaabay “Daryeelka Qasriga Madaxtooyada”
Ciidanka Asluubta vs. Waxbarashada
Miisaaniyada ciidanka Asluubtu waxa ay dhan tahay (10,942,418,449) waxaanay ka badan tahey:
a) Miisaaniyada waxbarashada 10,856,220,973. Caqliga ma gashaa!!!!!!!
b) Waxa kale oo ay ka badan tahey miisaaniyada wasaarada Arrimaha Gudaha (8,460,239,216) iyo ta cadaaladda (2,074,434,440) oo la isku daray oo isku noqonaya 10,534,673,656
e) Waxa kale oo ay ka badan tahey miisaaniyada toddoba (7) wasaaradood oo la isku daray kuwaasi oo kala ah 1) Caddaaladda 2) Beeraha 3) Wershadaha 4) Reer Guuraaga 5) Kaluumeysiga 6) Boostada iyo Isgaadhsiinta iyo 7) Caafimaadka
Kharashka Ku Qoran Agoomaha iyo Naafada!!
Kharashka ay xukuumaddu sida ku qayaxan Miisaaniyada ay u qoondeysay daryeelka Naafada iyo Agoomuhu waxa uu dhan yahay (12,762,557,856) kaasi oo kala ah sidan:
Mushaharka - Wasaarada Gaashandhiga – 8,207,409,600
Mushaharak – Wasaarda Daakhiliga – 2,428,171,200
Shidaalka- Wasaarada Gaashandhiga – 27,349,056
Stationeriga – Gaashandhiga – 7,448,000
Raashinka – Waxbarashada – 260,000,000
Raashinka – Gaashandhiga – 1,824,732,000
Habeen Dhixida Naafada - Gudaha – 7,448,000
Kharashka loogu talagalay in Agoomaha iyo Naafada lagu daryeelo oo dhan (12,762,557,856) waxa uu ka badan yahey:
a) Miisaanyada Wasaarada waxbarashada oo ah (10,856,220,973) iyo ta Hawlaha guud (1,279,505,200) oo la isku daray iskuna noqanaaya (12,135,726,173 )
b) Waxa kale oo ay ka badan tahey miisaaniyada afar iyo toban (14) wasaaradood oo la isku daray (12,569,513,467) kuwaasi oo kala ah:
1) Beeraha – 1,094,563,148
2) Reer Miyiga – 1,155,430,496
3) Kaluumeysiga – 928,499,698
4) Xoolaha – 1,088,147,200
5) Macdanta iyo Biyaha – 842,807,593
6) Boostada iyo Isgadhsiinta – 674,958,175
7) Diinta iyo Awqaafta – 607,840,880
8) Dalxiiska – 755,777,360
9) Dib-U-Dejinta – 508,136,720
10) Dh. Iyo Ciyaaraha – 775,848,560
11) Xeer Ilaalinta – 653,074,000
12) Qorsheynta – 991,278,797
13) W/Khaarajiga – 2,074,434,440
14) Qoyska – 418,716,400
Ilaalada Qasriga Madaxweynaha
Kharashka loo qoondeeyay Ilaalada Qasriga Madaxweynaha waxa ay dhan tahey (2,152,855,12) waxaanay ka badan tahey:
a) Miisaaniyada wasaarada khaarajiga iyo Ictiraaf raadiska oo ah (2,074,434,440)
b) Waxa kale oo ay ka badan tahey wasaarada Beeraha (1,094,563,148)
c) Waxa kale oo ay ka badan tahey miisaaniyada caddaalada (514,069,600), miisaanyada Maxkamada Sare (772,236,800) iyo ta Xeer Ilaaliyaha Guud (653,074,000) oo la isku daray oo isku noqonaaya (1,939,380,400)
Mushaharka Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Madaxtooyada
Miisaaniyada loo qoondeeya Mushaharka Madaxweynaha (2,600,419,200), ta Madaxweyne-Ku-xigeenka (1,151,200,000) iyo ta wasaarada Madaxtooyada (12,742,595,092) oo isku dhan (16,494,214,292) ahna (8.47% ) waxa la odhan karaa way is le’egyihiin kuwan hoos ku qayaxan:
a) Miisaaniyada Waxbarashada iyo tan Caafimaadka oo isku dhan (16,846,022,333)
b) Waxa kale oo la odhan karaa waxa ay is le’egyihiin miisaaniyada labada gole (11,563,390,400), ta Maxkamada Sare (772,236,000), ta Xeer Ilaaliyaha ( 653,074,000), ta caddaalada (514,069,600) iyo ta Maxakamada Hoose (3,103,662,000) oo la isku daray oo isku noqonaya (16,606,432,800)
Mushaharka Madaxweynaha oo dhan (2,600,419,200) waxa uu ka badan yahay:
a) Miisaaniyada Arrimaha Dibadda (2,074,434,440) iyo ta cadaaladda (514,069,600) oo la isku daray oo isku noqonaya (2,588,504,040)
b) Waxa kale oo uu ka badan yahey miisaaniyada Beeraha (1,094,563,148), ta xannaanada xoolaha (1,088,147,200) iyo ta Hay’ada Nerad (Aafada dabiiciga ah) oo la isku daray oo isku noqonaaya (2,588,504,040)
c) Waxa kale oo uu ku dhaw yahay afar laab (4) kharashka tacliinta sare oo isku dhan (660,000,000)
e) Waxa kale oo ay ka badantahey miisaaaniyada afar (4) wasaaradood oo la isku daray kuwaasi oo kala ah:
1) Cadaaladda – 514,069,600
2) Diinta iyo awqaafta – 607,840,880
3) Dib-U-Dejinta – 508,136,720
4) Ciyaaraha – 775,848,560
Mushaharka Madaxweynaha oo dhan (2,600,419,200) iyo miisaaaniyada oo uu Madaxweynuhu kelidii maamulo ayaa haddana kharash-kasta oo ku baxa Qasriga Madaxtooyada laga bixiya Wasaarada Hawlaha Guud
Kharashka Nabad Sugida iyo Sirdoonka
Kharashka nabad sugida loo qooondeeyay waxa uu dhan yahey (102,938,757,441) waxaanu yahey boqolkiiba 53% miisaaaniyada oo dhan. Waxaanu kala yahey sidan:
1) Ciidanka – 49,782,027,671
2) Ciidanka Asluubta – 10,942,418,449
3) Booliska – 21,338,712,846
4) Ilaalada Xeebaha – 1,849,155,118
5) W/Gudaha – 8,460,239,216
6) Gaashaandhiga – 10,566,204,141
Marka kharaska Nabad sugida lagu daro Kharashka Madaxtooyada, Mushaharka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo iyaguna dhan (8.47%) waxa ay isku noqonayaan (61.47%). Halkaa waxa ku cad in baahidii kale oo dhan loo qoondeeyay (38.53%)
Martiqaadka
Kharashka loogu tala galay Martiqaadka oo dhan (679,669,576) waxa uu ka badan yahey miisaaniyada taacliinta Sare oo dhan (660,000,000):
Jaamacadda Hargeysa – 130,000,000
J/Amuud – 130,000,000
J/Burco – 130,000,000
Kuliyadda Badda Berbera – 70,000,000
J/Golis – 100,000,000
Machadka Tababarka macaliimiinta – 100,000,000
Kharashka loogu tala galay Martiqaadku waxa uu ka badan yahey miisaaniyada wasaarado badan oo ay ka mid yihiin:
a) Boostada iyo Isgaadhsiinta – 674,958,175
b) Xeer Ilaaliyaha Guud – 653,074,000
c) Cadaladda iyo qaar kalaba – 514,069,600
Kharashka Idaacadaha Iyo TVga
Kharashka loo qoondeeyay dacaayada (Propaganda) waxa uu dhan yahey (2,769,744,368). Waxaanu ka badan yahey Miisaaniyada W/Cadaalada iyo ta Maxkamada Sare oo la isku daro oo isku dhan (1,286,306,400)
Kharashka Yar Yar
Kharashka yar yar (jarjarka) waxa uu dhan yahey (345,278,624) waxaanu ka badan yahey kharashka hay’adahan:
Miina Saarka – 279,514,000
N.DC. – 313,202,194
Gudida Qandaraasyada – 274,504,000
Gudida HIV/AIDS – 283,464,717
Wasaaradaha Wax Soo Sarka Iyo Daryeelka Bulshada
Wasaaradaha wax soo saarka iyo daryeelka bulshada waxa loo qoondeeyay (22,500,355,668) kuwaasi oo kala ah:
Beeraha – 1,094,563,148
Warshadaha – 544,885,200
Reer Miyiga – 1,155,430,496
Kaluumeysiga – 928,499,698
Xannaanada Xoolaha – 1,088,147,200
Macdanta iyo Biyaha – 842,807,593
Waxbarashada – 10,856,220,973
Caafimaadka – 5,989,801,360

Kharashka Sirdoonka iyo Ciidamada loo qoondeeyay oo isku dhan (102,938,757,441) waxa aad garab dhigtaa ka loo qoondeeyay wasaradaha wax soo saarka iyo daryeelka bulshada oo isku dhan (22,500,355,668)
Mushaharka Qofka Shaqaalaha ah
Marka la isku celceliyo mushaharka joogtada ah ee qofka shaqaalaha ihi uu qaataa waxa uu dhan yahey wax ku yar $40 bishii marka lagu saleeyo mushaharka joogtada ah oo dhan (76,723,384,200) iyo shaqaalaha dawlada oo uu ciidanku ku jiro (kuma jiro mushaharka labada gole iyo fulintu) oo dhan in ku dhaw toddobiyo labatan kun (27,000) sida ku cad bogga sideedaad (8) ee miisaaniyada
Dhaameelka Cabdi Xasan Buuni
Wasiirka Golayaaasha xidhiidhiya Cabdi Xasan Buuni dhaameelka loogu daray miisaaniyada wasaaradiisa marka la isku daro kharashka yar yar iyo martiqaadku waxa uu isku noqonayaa boqolkiiba (22.34%)

La soco ….

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Weli Xor Ma Nihin

Waxa laga yaabaa inaad yaabto marka aad aragto cinwaanta qormadan laakiin waxaad ii garaabaysaa marka aad u dhaadhacdo ujeedada qormada iyo fikirka ay xambaarsan tahay.
Waa run oo Somaliland waxay xornimadeedii kala soo noqotay Somalia 1991kii laakiin suáashu waxay tahay tolow weli xor ma nahay ??

Ka dib dhiig badan oo loo daadshay, nafo badan oo loo huray, qax iyo baro kac shacabka ku yimid, burbur iyo baabiín ku timid hantidii umadda iyo dalkoodiiba waxa ugu dambayntii lagu guulaystay in madaxbananida Somaliland lagu dhawaaqo 18kii May 1991 taas oo soomaalida maahee aduunka oo dhan gilgishay. Dad badan ruwaayad bay la ahayd inay Somaliland dal madax banaan noqon karo laakiin waxay runtu indhahooda hor timid markii hub ka dhigista lagu sameeyay maleeshiyooyinkii kala duwanaa laguna dhawaaqay dhismaha ciidan qaran, police, asluub iyo qaybaha kele ee kala duwan ee ciidanku leeyahay. Waxay mar kele garwaaqsadeen markii codka dadweynaha loo qaaday dastuurkii ugu horeeyay ee uu dalku yeesho ilaa markii madaxbanaanidii laga qaatay ingiriiska 1960kii taas oo 97% ay u codeeyeen inay taageersan yihiin gooni isu taagidda Somaliland iyo guud ahaan dastuurka dalka. Waxa mar kale ay garwaaqsadeen xaqiiqada markii dalka laga hirgeliyay doorashooyinkii kala duwanaa ee iska dambeeyay kuwaas oo dhamaantood ku dhamaaday guul la taaban karo iyo si nabadgelyo ah.

Muddo 16 sanadood ah Somaliland waxay ku raaxaysanaysaa nabadgelyo aanay haysan dhamaan wadamada geesku iyadoo weliba aanay jirin cid ka caawisay iyo gacan shisheeye oo soo faragelisay toona.

Laakiin marka gunta loo dhaadhaco suáashu waxay tahay WELI XOR MA NAHAY??
Waxay ila tahay waddanku waa xor laakiin dadku weli xor ma aha. Bal aynu dib u yara milicsano taariikhda inta aynaan ka hadal waxaynu uga jeedno dadku xor maaha.
Laga soo bilaabo 1991kii ilaa 1993kii wadanku muu lahay nidaam dowladeed oo rasmiya waxaana lagu jiray jahawareer iyo qas muuqda kaas oo sababay iska hor imaadyo farabadan oo uu ugu horeeyay dagaalkii reeraha ee burco kuwaas oo aad moodaysay marka meel laga bakhtiiyaba inay meel kele ka soo fad kudayeen ilaa ay ku faafeen magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinkaba. Waxa iska hor imaadyo toos ahi ka dhaceen burco, berbera, sheikh, Hargeisa iyo meelo kele. Sidoo kele waxa qas iyo wareer galay dadweynihii markaas uun ka soo guryo noqday qaxootiyadii Itoobiya oo iyagu filayay inay heli doonaan nolol ay ku raaxaystaan oo u qalanta dhiigii loo huray madada dheer ee xornimada loo halgamayay.

Waxa lagu kala guuray Burco, Sheekh, Berbera iyo inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeisa isla markaana waxa jiray dagaalo aan barokac weyn sababin laakiin si joogto ah uga dhacayay magaalada Hargeysa. Waxa aan xasuustaa maalin uu dagaal u dhexeeya laba kooxood uu ka bilaabmay agagaarka bangiga dhexe ee Hargeisa kaas oo nagu khasbay inaanu masaajid ka dhiganno gabbaad. Wuxuu bilaabmay abaarihii 2:00 duhurnimo waxaanuu istaagay eedaankii salaada maqrib. Ma filayo hub jira oo aan la isu adeegsani inaanuu jirin waxaase cid walba fajiciso ku noqotay markii naloo sheegay in aanay jirin cid wax ku noqotay.

Xilliyada noocaas ahi waxa ay la jaan qaadayeen dagaalo beelo ku dhisan oo markaa si xun uga socday magaalada Muqdisho oo markii Siyaad Barre laga eryay noqotay meel ay ku loolamaan labadii kooxood ee ay kala hogaaminayeen Cali Mahdi iyo Caydiid kuwaas oo sababay barokac iyo burbur ka xun kii uu sababay dagaalkii ay u galeen inay afweyne meesha ka saaraan.

Waxa aad u xumayd sawirka ay debedda ka bixin karayeen dagaalada noocaas ah ee ka dhacayay Somaliland iyadoo loo arkayay in wixii la isku odhan jiray Somalia oo dhan uu dagaal ka socdo maadaama aad moodaysay inay iska hor imaadayadaas oo dhami isku waqti ahaayeen. Inkasta oo guurtida, cuqaasha iyo salaadiinta Somaliland ay mar walba ahaayeen kuwa iyagu u heellanaa deminta colaadahan kala duwan mar walbana ku guulaysan jireen inay joojiyaan colaadaha hadana waxaad moodaysay wax nidaamsan oo marka ay meel dabka ka soo bakhtiiyaanba hadana ay meel kele ka qarxaysay.
Inkasta oo ay sidaa ahayd haddana ciidamadii UNISOM ee somaliya la keenay may noqon kuwo ku soo dhiirada inay Somaliland yimaadaan. Taasi waxay ina siisay weji cusub oo siyaasadeed oo caalamka u tustay Somaliland inay tahay meel ka duwan Somalia oo markaas marba marka ka dambaysa sii burburaysay.

Waxa taas xigtay markii ciidamadii UNISOM meesha ka baxeen in uu Caydiid oo markaa u muuqday ninka isagu ku guulaystay dagaaladii uu la galay maraykanka iyo xulafadiisa uu ku dhawaaqay dowlad uu u bixiyay salbalaadh. Waxoogaa horumar ah buu ka gaadhay koonfurta inuu dowladaas si xoog ah ku socodsiiyo gaar ahaan markii uu qabsaday gobollada Bay iyo Bakool iyo weliba magaalada istiraatiijiga ah ee Kismaayo. Markiiba waxa soo baxay qaar ka mid ah dad magac iyo maamuus ku lahaa Somaliland inay lumiyaan kalsoonidii dadkooda kuna dhawaaqaan inay ku biiraan dowladaas caydiid iyagoo sheegay inay aaminsan yihiin nidaam federaal ah oo lala galo Somalia. Cid filaysay may jirin caalamka oo dhana waxay ku noqotay arin la yaab leh dad badan baana markiiba saadaaliyay inay tani horseedi doonto burbur iyo iska hor imaadyo cusub oo soo wajaha Somaliland. Laakiin saadaashaasi may noqon mid rumowda markiibana waxa la qaaday olole siyaasadeed iyo abaabul mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo kooxdaas iyagu iskood u goostay.

Caydiid wuu dhintay dowladii oo ku dhawaaqayna kamay dambayn oo halkaasaa ugu dambaysay. Soomaliyana waxay gashay xaalad fowdo oo cusub oo kuraasta iyo xukunka la kala maroorsado iyadoo aan loo aabbayeelayn dadka dhimanaya iyo burburka dalka midna. Taas mid la mid ah baa lala maaganaa Somaliland ka dib markii si lama filaan ah uu dagaal sokeeye oo ahaa kii ugu xumaa ee soo mara dalku uu mar keliya ka qarxay caasimadda Hargeisa markiibana ku fiday magaalada burco kaas oo aad moodaysay inaan waxba la isula hadhin. Si kasta oo uu dagaalku u socday hadana baaqyada nabadda iyo fariimaha guurtida iyo odayaashu marnaba may kala joogsan ilaa ugu dambayntii lagu heshiiyay in si kama dambays ah loo soo afjaro colaadda oo markaa cid ka faaíday aanay jirin. Taasi waxay lama filaan ku noqotay kooxdii federaalka ku dhawaaqday oo iyagu markaa rajaynayay inay ka faaídi doonaan dhiigaas ku daadanaya dalkoodii hooyo ee ay ka caasi garoobeen. Riyadaasina mid rumowda may noqon Somaliland na mar kele ayay nabadgelyadeedii si buuxda ugu noqotay waxaana la sameeyay hubka dhigistii maleeshiyooyinka iyadoo halkaana lagu soo afjaray sanado badan oo hubka iyo awoodu uu gacanta ugu jiray qabaaílka.

Muddo ka dib waxa Jabuuti laga abaabulay shir loogu yeedhay inuu yahay mid soomaliweyn laguna dhisayo dowlad soomaaliyeed oo ay ku jirto Somaliland. Inkasta oo ay dadweynaha Somaliland ka war hayeen shirqoolada Jabuuti maleegayso si ay isu hortaagso gooni isutaagga Somaliland hadana waxa soo baxay odayaal, suldaano iyo dad la yaqaano oo hunguriga ay u qabaan xukun dartii u dusayay inay ka qayb galaan shirkaas Jabuuti. Dadkaas oo iyaga aanay waxba ka gelin burburka Somaliland hadii ay kursi uun ka helaan dowlada meeshaas lagu samaynayo ayaa si is dabajoog ah oo dhuumasho ah isku deyayay inay uga dhoofaan madaarada dalka iyo xuduudaha uu dalku la leeyahay dalalka deriska ah. Arintaasi waxay si weyn u gilgishay Somaliland laakiin xukunkii adkaa ee markaa ka jiray dalka ayaa suurageliyay inaanay wax raadayn ah ku yeelan nabadgelyada iyo hanaanka siyaasadeed ee dalka midnaba. Cabdiqaasin Salaad Xasan oo halkaas madaxweyne loogu doortay ayaa isaguna markiiba ku dhawaaaqay inuu xukumo min raaskambooni ilaa saylac waxaanuu dafiray wax Somaliland la yidhaahdaa inaanay jirin. Riyadaasi may noqon mid sii waarta waxaana markiiba burburay kooxdii carta kuwii u dhashay Somaliland ee hunguriga ka qabay kuraastuna waxay midmid ugu soo noqdeen somiland iyaga oo cafis waydiistay dowlada qaarkoodna laba xidhay ilaa ay ka cudurdaarteen qirteenna khaladkii ay dalka iyo dadkoodaba ka galeen.

Inyar ka dib hadana waxa bilaabmay shirkii kooxaha soomaalida loogu qabtay dalka Kenya. Ergooyinka ayaa si isdaba joog ah uga imanayay dhamaan gobollada dalka soomaaliya si ay uga qayb galaan shirkaasi oo lagu magacaabay dib u heshiisiinta soomaalida. Sidii caadada ahayd markiiba waxa soo baxay dad reer Somaliland ah oo u baxsada inay shirkaas ka qayb galaan kuwaas oo iska dhigayay inay metelayaan Somaliland ama beelo ka mid ah kuwa deggen Somaliland. Shirkii baa dhamaaday waxaana madaxweyne loo doortay Cabdillaahi Yuusuf oo isagu isu arkayay inuu gaadhay hadafkiisii ahaa inuu maruun madaxweyne ka noqdo soomaaliya. Sidii horeba loogu yaqaanay qaar ka mid ah kuwaas Somaliland ku caasi garoobay ayaa xilal aad u hooseeya laga siiyay dowladaas.

Muddo yar ka dib xaaladii way is bedeshay waxaana muqdisho ka soo baxay kooxdii maxaakimta islaamiga oo dabada kaga dhacay dagaal oogayaashii loo mari waayay soomaaliya muddadii 16ka sanno ahayd ee ay dagaaladu aafeeyeen. Markiiba waxay ku dhawaaqeen gole fulineed iyo mid shuuro (wada tashi) oo ay kala hogaaminayeen
Sh. Shariif iyo Sh. Xasan Daahir Aweys oo isaga loo arkayay inuu ahaa hogaamiyaha argagixisada ee soomaaliya. Sidii horeba loogu yaqaanay waxa Somaliland ka bilowday kooxo taageero hiil iyo hooba ah siiya maxaakiimta haba u badnaadeen wadaadada waaweyn ee ka soo jeeda Somaliland e. Kooxdii hore ee federaalka ku dhawaaqday ayaa iyaga laftoodu ku dhex haftay mowjadihii siyaasadeed ee soomaliya kuwaas oo iyaga laftoodu u kala jabay qaar la safta dowlada C/Lahi Yusuf iyo qaar ka mid noqda maxaakimtii muqdisho. Markii awoodii maxaakimtu sii korodhay ee ay isku fidiyeen gobollo iyo degmooyin badan oo koonfurta soomaaliya ka tirsan waxa soo kordhayay guuxa dad ka mid ah reer Somaliland ay ku taageerayaan maxkamadaha. Waxa markiiba ka bilowday gaar ahaan magaalada burco abaabulo beeleed oo taageero loogu raadinayo in maxkamado ka mid noqda kuwa muqdisho lagaga dhawaaqo dalka taas oo aad markaa moodaysay inay Somaliland aad u gilgishay. Tiraba Ilaa laba goor baa lagaga dhawaaqay Laas-caanood maxkamad islaami ah laakiin maamulka Puntland ee halkaas ka talinayay ayaa weerar ku qaaday kuna guulaystay inuu kala diro maxkamadahaas. Qaar ka mid ah suldaanada Somaliland ayaa iyaguna kuba dhawaaqay maxkamad islaami ah taas oo sababi gaadhay isku dhac kadib barkii ciidanka police ka ee Somaliland ay soo qabteen suldaan cismaan oo ahaa kii isagu ku dhawaaqay maxkamadaas. Wadaaddada reer Somaliland ayaa iyaguna isu arkay inay qabsan karaan Somaliland isla markana hirgelin karaan maxkamado islaami ah oo hoos taga kuwa muqdisho. Taasi may dhicin maxaakimtii muqdishana waxa cagta mariyay ciidama Itoobiya iyo kuwo la socda oo markaa ka mid ah dowladda C/Lahi Yuusuf.

Waxa haddana imika lagu dhawaaqay shir dib u heshiisiineed (reconciliation conference) ay ku baaqday dowladda C/Laahi Yuusuf kaas oo ay sheegeen inay Somaliland na ay ku jirto. Waxa hubaal ah inay soo bixi doonaan kooxo, masuuliyiin, odayaal iyo suldaano horleh oo inta waxoogaa kharash ah lasiiyo aynu arki doono iyaguu ku sii qulqulaya shirkaas si ay Somaliland u metelaan ama magac beeleed ha ku socdeen ama magac kale e. Waxaaan dareensanahay inuu siyaasada Somaliland iyo xasiloonida guud uu gilgili doonoo inkasta oo aan filayo inuu sidii kuwii hore oo kele uu fashilmi doono.

Haddaba su’áashu waxa ay tahay, arimaha ka dhacaya soomaaliya maxay mar walba raad inoogu yeeshaan ?? miyaynaan xor ahayn ??? miyaynaan mar hore ku dhawaaqin in inaga reer soomaaliya aynu kala baxnay laba dowladoodna kala nahay ? maxaa xaalad kasta oo koonfur ka soo cusboonaataa ay inagana inoo gilgishaa ?? maxaa weli iskaga keen xidhan soomaaliya, miyaynaan dowladnimadeenii beri hore kala guran ??? si kasta oo uu iyaga damaaci ugu jiro maxaa inaga inaga dhigay qaar ay si sahlan u raadeeyaan ???
Ma dadka ayaa marka horeba aan Somaliland ogolayn oo Soomaaliya inay la midoobaan raba oo khasab lagu hayaa mise madaxda ayaa ka soo horjeeda madaxbanaanida Somaliland oo shacabka ayay meel ay ka maraan la‎‎yihiin ???

Intaasi dadkeena ma ugu filnaan kartaa inay ku cibro qaataan mise weli siyaasadaha is bedbedelaya ee Soomaliya sidaas bay raad inoogu lahaan doonaan mustaqbalka ???
WELI XOR MA NIHIN INTA SIYAASADAHA SOOMAALIYA INA GILGILAYAAN WELINA XOR MA NIHIN INTA MADAXNIMO IYO KURAAS U DOONANAYNO DAGAAL OOGAYAASHA SOOMAALIYA.
Diyaariye: Rooble Maxamed

Top


Cayda, Gefka Iyo Aflagaadadu Ma' Xeer Hoosaad-Kaay
Ugu Jirtaa Golaha Fulinta [Xukuumadda]

Waxa fiican inuu qofku markuu fiyow-yahay hantiyo xornimadiisa oo aanu noqon mid cid kale ku daba fayla, markaas ayuu higsan karaa hankiisa luquntana kor u taagi karaa, Sideedabana wuxuu u qaybsamaa ruuxa Bani-Aadamka ahi mid han leh, mid hunguri hogaansho, mid hanti iyo hayn raadis ah, mid hawo iyo hoolebi ku asqaysan, iyo mid heestii-baxdaba hareerta qabsada. Anigu Axmed Yuusuf waxan ka mid ahaa ragii horaanta ka raacay Xis. UDUB markii lagu dhawaaqay ujeedadaan ka lahaana waxay ahayd mabda' iyo dhiiri gelin Dimuqraadiyadeed, waxa iyana soo galay rag aanu kala ujeedo fog lahayn, waxa soo galay qaar nin ama qabiil jeclaysi u qaatay oo ka duwey xisbi qaranba inuu yahay oo qalad u arka hadaad sheegto waxii gurracan ee markaa taagan waxa laga yaabaa inay kolley xisbi walba qaar joogaan kaayaguse waa ugu daranayahoo waaba lagula dagaalamayaa hadaad damacdo inaad ra'yi ama dareen ka muujiso ka duwan ka maamulka xisbiga.

ILAAHAY MAGANE' ma' haboona inaad meel aanad ka muuqan ka tirsanaanto, inaad quusato ood nin kula mida uga dhaqaaqdo tacabkaagii & tuhmadaadina waxa ka roon oo waa-jibna ah inaad marka ugu horaysa naftada xaqeeda siiso, oo sidaad u xaq siinaysaa? GEFNA KA DHAWR GODOBNA KA GUFEE GAABISNA HA' YEELIN , hadaad taas ka gudubto ood fahamto, way kuu sahlanaanaysaa wixii cid kale kaa gasho diidmadeeda iyo doonashadeeduba waayo dareenkaagaa jooga, damiirkaa kuu nool, doqoniimona daa.
Hadaan si kale u dhigo, waxaynu nahay taliya-yaal iyo taagee-rayaal xisbiga talada haya, waxa laynoo tirinayaa gefaf, goolaaftan, gaadmo, gedmasho, gacanqaad, gardiid, gumuc-afays, garawsho la'aan iyo weliba gardiidnimo e' maxaa talo ah? yaa geestey ? waayo? maxaynu u gar bixi weyney hadii wax laynoo sheegtay? waxan leeyahay layskuma halleeyo awoodda dawladnimo lamana adeegsado hadaad is qabataan dadkii hogaanka kuu dhiibtey, xoogga iyo awooddu yay dhaafin taad hore u lahaan jirtey kursigan hortii waxa kuu furan wadooyin badan, waa laga dul qaataa, waa loo digaa dawladi ma' deg-degto e', waana heee la' daw-mariyaa dadka iyo dalkaba.

Hadaad liqiwoodo oonad yeelayn mabay ahayn inaad soo haweysato haalkan aad ka hawisayso, waayo maaha meel aad wax wadaagtaan, waxana ku haboonayd inaad ahaato ( private man not a public man ).

Bal ka waran Markabkii AL-XARBI eed madaxweye TOTAL iyo RED SEA na aad u ogolaatay haamaha aan mulkigaaga ahyn eed tidhi shuba, Al- xarbina Badda ku dara.
Malaa Xaggaaga waaba sharci sidaasu.

Bal dhugo ragbaa waxay 3 bilood kuugu xidhan yihiin waxbay iga sheegeen, igu cadeeya maad odhan intaad garyaqaan qabsatee waa laguu soo qafaalay.

Waxay ku yidhaahdeen an garrano, maad yeeline garsoorkii baad u dhaaftay xeerarkaad saxeexday baad laashay, Docdiinaa m/weyne malaa waaba dedaal.
Kumishankii bal u fiirso waxay ceeb inoo horkacday mis-cirir jaaxii iyo muraayado wareenkii loogu dhacay agabka iyo asraartii mamnuuca ka ahayd in dawlad iyo xisbi tooni faraa la' galaan. aan raacsado, su'aal, LLI-LLAAHI maxaad yeeli lahayd haday Kulmiye ama Ucid u dhacaan oo sidanoo kale yeelaan? aamuskan jawaab baa ka hagaagsan ee dheh waxaad ka maarmi-weydo.

Ray-salwasaaraha carriga Ingiriiska badhta-mihii bishii December 2006 waxa lagu soo eedayey musuq-maasuq bilayska (Police) ayaa mudo 45 mirridh ah su'aalo ka weydiinayey arimaha lagu tuhmey qareenkiisuna lama joogin, mar 2aad ayaa Police ku su'aalo weydiiyeen dhamaadkii janauary 2007 tan dan danbe wuu la joogey qareenkiisu waana markii u horaysey taariikhda ee eedo noocan oo kale ah laga sheego isagoo weli jagdii haya, saxaafada iyo TV yadana waa laga faafiyey. Ogow Caashina cid ma' hiifin Calina af ma' qaloocan.

Xaaska ninkaas kor ku qoran waa wasiirka kowaade waa Tony Blair e' waxay saxaafaddu ka qortay inay £700,000 (todoba boqol oo kun gini) ku kharash bixisay dhismaha timaheeda iyo waji dhoob-dhoob keeda manay lahayn oo sida la' sheegay waxay ahayd hanti uu leeyahay xisbiga Labour ka ee talada dakan haya, ogow waa mudadii yaraydee doorashada lagu jirey.

Wuxuu yidhi wiilka baaracay ina xaji daahir e' Private ka madaxweynaha ayaa wax laga sheegay.

Hadii madaxtooyadu tahay meel nin ama Qoys gaar u leeyahay, maxay u dhaxli weydey afadii uu ka xijaabtey ina Ibraahim Cigaal & Ubad-kiisii?
Hadiise hadeer wax laga bedeley oy sidan aad sheegtay ay tahay mulki Private ah yaa tolow dhaxlaya haday tii Alle timaado bahashiina gaar noqotay?
Mase' ku aamini-waayey ina xaji Daahir cayda Gudoomiyaha Kulmiye MD Axmed Siilaanyo kuwa gaarka loogu cayimay? Mise wuxuu saluugey WASIIR CAASHAQ waa magacyadiisii qadiimka ahaaye aflagaadooyinkii hore?.
Miyuuse' ka afroonyahay madaxeynaha sowkii cidba ku hallayn-waayey ee isagu u laba laxaadsadey Cashadii Madaarka!. Weger Show isuma dhiibataan, Wallee waa nabar.
Madaxtooyadu ma' waxay sharciga u taqaan qadafka iyo qawlka qaloocan? Cayda Golaha fulintu ma' waxay ka midtahay xeer-hoosaadkooda iyo sharciga?
Haday su'aalahaasu haa wada yihiin maxaa maamulku uga jawaabi waayey warmaha cadowga runta ahee C/hi Yuusuf & Cadde Muuse ?
Mise madaxtooyooy xaggaaga cadowgu waa cid kale sida Wakiilada, Xisbiyada, Mucaaridka ah, Kumishnka Qaranka, ardayda iyo il dheer garatada, iyo iyobaan kuidhi hayga reebine aniga iyo inta ila fekerka ah ee UDUB ku dhax?
Jawaabta su'aalahaas waxan u dhaafayaa akhistayaa xorta u ah maankooda iyo mabda'ooda.

Waxse aan si gaar ah u weydiinaya ereyo saaxiibadayda aanu UDUB wada taageerno oo qaarkood igula yaabay ka hadalka khaladka Dawlada, mid maanta xil-dhibaan ah, mid Wasiira iyo mid waxan ku jiraa udub ba ayku fillaatay, wuxuu yidhi MABAAD XAFIDA XAYNTA KAA MAQANE, waar miyaanad tebin nindoorka xisbiga ka dhaqaaqay Sida Cabdi Aw Daahir, Abiib Diiriye (TIMA-CADDE), Adam Musse Jibriil, Abdullahi Geeljire, Khadar Adan Ambaasatoor, Ahmed Haji Abdullaahi Rooraaye iyo qaar kaloo badan, waar an talo isugu noqono malaa sidan doorasho ku gelimayno e'.

Geba-gabaduna waxay tahay ina xaaji Daahirow waxa kugu qotonta maah-maahdii ahayd SAWAAB DHERGEY IYO DAMEERO SARIN DAAQAY WAX KA SALA-LIXOOD BADA.
Somaliland hanoolaato , ammaano Alla,
Ahmed Haji Yussuf Dualeh.

 

Top