Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1377 Mar.30, 2007

Wafdi Ka Socda Midowga Yurub Oo Madaxweyne Rayaale
Ku Dirqiyey Sii-deynta Suxufiyiinta Haatuf

Dagaal Lagu Hoobtay Oo Ka Socda Muqdisho Iyo
Ciidamada Ka Soo Horjeeda Itoobiyaanka Oo Xalay Dib
Ula Wareegay Goobihii Laga Qabsaday

Kooxo Ciidanka Bileyska Iyo Asluubta Ah Oo Tababar Loogu
Soo xidhay Xarunta Birmadka Hargeysa

Wafdi Sare Oo Ka Socda Midowga Yurub Oo Shalay Booqasho Gaaban Ku Yimid Somaliland

Helidda Cadaaladda Iyo Xaq-Soor Dhab Ah

Xaaladda Dalka Somaliya Ee Sii Cakirmaysa Iyo Xaqiiqda Weli Aan Loo Soo Noqon

Madaxweyne Ku-Xigeenka Iyo Axmed Siillaanyo Oo
Ka Qayb-Galay Aaskii Marxuum Haybe Cumar Magan

Culimadda Suna Wal-Jamaaca Oo Ku Baaqay In Xuska
Mawliidka Nebiga La Weyneeyo, Wixii Khilaaf Ahna Laga Ilaaliyo

Dar-Daaran Suxufi Q2


Wafdi Ka Socda Midowga Yurub Oo Madaxweyne Rayaale
Ku Dirqiyey Sii-deynta Suxufiyiinta Haatuf

“Waxa Guulaysatay Xoriyatul-Qawlkii ee Dadka reer Somaliland Halganka Dheer U Soo Galeen” Gaboobe

“Madaxweynuhu Wuxuu Cafiskan Ugu Fidiyey Weriyeyaasha Isagoo Eegaya Danta Guud Iyo Marxaladda ka taagan Geeska Afrika”

Mandheera, March 30, 2007 (Haatuf) – Suxufiyiinta Haatuf ee muddada saddex bilood ku dhow xabsiga Mandheera ku jiray, ayaa shalay xabsiga laga sii daayay kadib markii uu Madaxweyne Rayaale soo saaray warqad qoraal ah oo uu ku sheegay inuu cafis ugu fidiyay afar suxufi oo ka tirsan Haatuf oo ay hore Maxkamadda Gobolku ugu xukuntay xukun u dhexeeya laba sannadood iyo laba sannadood iyo badh, kuwaas oo mid maqane ku xukunaa.

Subaxnimadii hore ee shalay, ayaa waxa xabsiga Mandheera ku kulmay wefti culus oo ka socday Komishanka Midowga Yurub u fadhiya Kenya, kuwaas oo markii ay Madaarka Hargeysa ay keentay diyaarad khaas oo sidday si toos ah u tegay xabsiga Mandheera ee ay ku jireen suxufiyiinta Haatuf, waxaanay halkaas kula kulmeen xubnaha suxufiyiinta ah oo shir gaar ah ay la yeesheen, wakhtigaas oo xabsiga Mandheera ay gaadhay warqadda siideynta suxufiyiintaas.

Weftigan Midowga Yurub oo ka koobnaa afar xubnood oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Ergayga Komishanka Midowga Yurub ee Nairobi, Eric Vanderlinden ayaa isla shalay dalka dib uga laabtay, kadib markii ay dhammaysteen booqashadooda, iyadoo ujeedada socdaalkoodu ahayd sii-deynta suxufiyiinta Haatuf iyo arrinta khilaafka Komishanka Doorashooyinka Somaliland, waxaanay weftigu intii aanay dalka amba-bixin kulan la yeesheen Madaxweyne Daahir Rayaale, kulankaas oo la sheegay inay labada dhinac kaga wada-hadleen labadaas arrimood.

Imaatinkan weftigan ayaa la rumaysan yahay inay Madaxweyne Rayaale ku dirqiday inuu sii daayo suxufiyiintaas, iyadoo ay xukuumaddu isku dayday inay ka hor inta aanu weftigu dalka iman suxufiyiintaas la sii daayo, waxaanay la sheegay inay xukuumaddu isku dayday inay weftiga ka baajiso booqashadiisa xabsiga Mandheera, hase yeeshee weftiga ayaa isagu ku adkaystay inay xabsiga booqdaan isla markii ay dalka yimaadeen iyagoo aan ku baydhin meel kale, halka ay Xukuumadda u suurto-geli wayday inay suxufiyiinta Haatuf xabsiga ka soo dayso ka hor inta aanu weftiga halkaas gaadhin.

Barqanimadii shalay ayaa waxaa magaalada Hargeysa ka dareeray boqolaal qof oo wata gaadiid farabadan, kuwaas oo tegay xabsiga Mandheera si ay halkaas uga soo gelbiyaan suxufiyiinta Haatuf ee xabsiga laga soo daayay.

Abaaro 12:00 duhurnimo ayay saddexda suxufi oo kala ah Cali Cabdi Diini, Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Maxamed Cumar Sh. Ibraahim dibadda uga soo baxeen albaabka xabsiga Mandheera iyagoo xorriyadoodii muddada 87 maalmood ka maqnayd dib loogu soo celiyay. Muuqaalka Suxufiyiintan oo aanay il-xumaan ka muuqan ayaa markii ay albaabka soo weydaarteen waxaa baashiraad iyo salaam la boobay dadweyne farabadan oo markaa xabsiga dibadiisa dhoobnaa, waxaana halkaas suxufiyiinta ku wareystay warbaahinta madaxa banaan oo goobta joogtay.

Yuusuf Cabdi Gaboobe, Gudoomiyaha Haatuf Media Network oo warbaahintu weydiisay sida uu arko sii-deyntooda, ayaa yidhi: “Waxaan u arkaa inaanu saddexda suxufi ee halkan sida dulmiga ah ugu xidhnaa ku guulaysanay wixii aanu u soconay oo ahayd Xoriyatul-qawlkii dadkan iyo dalkani u soo halgameen. Siideyntayadu waa tallaabadii u horeysay si aynu u xaqiijin lahayn in dalkan lagu soo dabaalo in lagu noolaado dimuqraadiyad buuxda, sharci iyo kala-dambayn, xoriyatul-qawl iyo saxaafad xor ah. Waxaanu u aragnaa in xaq-darro nalagu xidhay. Waxaanu u aragnaa in xidhitaankayagu aanu ku koobnayn saddexdayada oo keliya ee ay Somaliland oo dhammi xidhnayd intii aanu halkan ku jirnay, waayo, waad ogtihiin in waxa naloo xidhay uu ahaa maqaalo aanu Wargeyska Haatuf ku daabacnay oo ku saabsanaa musuq-maasuqa Madaxtooyada ee Daahir Rayaale iyo Qoyskiisa. Sidaas darteed waxa loo baahan yahay Somaliland oo dhami inay ka wada-shaqayso sidii xeerka saxaafadda ee labada gole ansixiyeen, Madaxweynuhuna saxeexay si dhab ah loo dhaqan-geliyo, oo aanay noqon waxan uu ku hadlay wasiirka Warfaafintu.”

Mar wax laga weydiiyay Yuusuf Cabdi Gaboobe, sababta siideyntiisa in loo sheegay iyo wixii ay ku wada-hadleen weftiga Midowga Yurub, waxaa uu ku jawaabay “Waxa nalagu yidhi waa laydin sii daayay oo warqad sii-deyntiina ku saabsan ayaa noo timid, warqaddana maanu arag, dabadeedna waxa noo yimid weftigii ka socday EU-da, waxay naga wareysteen sidii jeelka naloola macaamiley, asbaabihii nalagu xidhay iyo sidaanu u aragno dacwada habkii loo qaaday, taasna waxaanu u sheegnay inuu ahaa hab guracan oo aan laga filayn inuu Somaliland ka dhaco, waxaanu u sheegnay in wixii aanu xaqa u lahayn qornay oo ay xuquuqdayada ka mid ahayd in dalkan lagaga dhacmo saxaafad xor ah wixii aanu qornayna uu ahaa musuq-maasuq, ay ahaydna haddii uu Madaxweynuhu wax naga tabanayo uu isagoo Qareenkiisa wata uu Maxkamadda naga dacweeyo, oo aanu noqono laba muwaadin oo sharciga u siman.”

Waxa kale oo la weydiiyay Yuusuf Cabdi Gaboobe su’aal ahayd “Waxaad ka mid ahayd Mujaahidiintii SNM ee dalka u soo halgantay ee dhibta badan u soo maray xoreynteedii, marnaba ma ku fikirtay in dalkan aad muddada badan u soo halgamaysay xoreyntiisa in adiga cadaalad-darro kugu dhacdo?” waxaanu Yuusuf ku jawaabay “Runtii maya, marnaba kumaan fikirin niyadana maan-gelin sidaan hore idiinku sheegayna 25 sannadood ka hor ayaan maqaalo aan ka qoray taliskii Siyaad Barre aniga Qadar laygaga soo mastaafuriyay oo aan ugu soo biirey halgankii hubaysnaa, waxaanan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee dalka Qatar ka aasaasa guddiyaashii ururka SNM, runtii 25 sannadood kadib markii aanu gaadhnay himiladii dadku ka lahaa halgankaasi oo ahaa in dal xor ah oo xoriyatul-qawlka lagu dhaqo la helo, ee aan anigu isla markaana ka qayb-qaatay sidii dalka looga aasaasi laha saxaafad xor ah oo ka mid ah dhidibada ay Somaliland ku taagan tahay, runtiina maan fileyn in maanta aanu ku muteysano xadhig sharci darro ah.”

Sidoo kalena Maxamed Cumar Sheekh ayaa isna la weydiiyay “Sida laga soo xigtay Madaxweyne Rayaale wuxuu kugu tilmaamay inaad tahay toosh-cadaawe, muxuu yahay tooshkaasi cadaawe ee lagu sheegay, waa ayo’se cadaawuhu?” waxaanu Maxamed Cumar isagoo ka jawaabaya su’aashaas uu yidhi: “Runtii anigu uma arko hadal masuuliyadeed hadaladaasi ka soo baxay Madaxweyne Rayaale, runtii aniguna waxa aan ka soo jeedaa gobolka uu Madaxweyne Rayaale ka soo baxay, markaa anigu ma garanayo cadowga Hargeysa ka soo kacay, reer Hargeysana waxaan u arkaa inay yihiin kuwii Madaxweyne Rayaale soo dhaweeyay ee kursigan uu ku fadhiyo sababtiisa lahaa. Runtiina aniga waxay iga ahayd walaalkaa toosi oo tus khaladaadka uu ummaddan ka galayno, balse taasi way u dhandhami wayday, manay mutaysan baanan qabaa reer Hargeysa hadalaasi ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale.”

Cali Cabdi Diini, Tifaftiraha Wargeyska Haatuf oo isaguna ka mid ahaa saddexda suxufi ee shalay xabsiga Mandheera laga soo daayay, ayaa isagoo ka hadlaya sida uu arko xadhigga isaga iyo asxaabtiisa kale lagula kacay iyo dareenkiisa hadda, waxa uu yidhi: “Runtii dareenkaygu ma xuma, xadhigayaguna sida aad ka warqabtaan wuxuu ahaa xadhig xaq-darro ah, kaas oo aan saameyn keligayo balse aanu la qabno dad faro badan oo jeelasha ku jira.

Suxufiyiintani waxay ka warameen xaaladda jeelka iyo duruufihii ay ku soo arkeen muddadii saddexda bilood ahayd ee ay halkaas ku jireen. “Jeelka Mandheera si fiican ayaa naloogula dhaqmay intii aanu ku jirnay, balse meesha sida xun naloogula dhaqmay waxay ahayd xarunta CID-da muddadii aanu ku xidhnayn,” ayay yidhaahdeen suxufiyiintaasi.
Mar la weydiiyay suxufiyiinta Haatuf, maadaama ay qoraalo ay daabaceen darteed ay ku mutaysteen xadhigga muddada intaas le’eg inay joojin doonaan oo aanay dib u daabici doonin qaar la mid ah qoraaladaasi oo kale iyo kuwo kale oo lid ku ah Xukuumadda Madaxweyne Rayaale, waxaanu Yuusuf Cabdi Gaboobe oo su’aashaas ka jawaabayay yidhi: “Annagu markasta waajibkayaga waanu qabsanaynaa, haddii annaga xaq-darro nalagu xidhay, taas macnaheedu maaha in aanu joojino waajibkii naga saarnaa in aanu dadweynaha reer Somaliland u soo bandhigno wax kasta oo jira, sida hadday maamul-xumo jirto, haddii musuq-maasuq jiro iyo haddii wax wanaagsan jirto, waa mid nalaga filaayo in aanu soo bandhigno.”

Ugu dambayntii waxa la weydiiyay suxufiyiinta xukunka lagu ridday iyo saamaxaadda ay xukuumaddu u fidisay, waxaanay ku jawaabeen “Annaga xukunkii nagu dhacay waxa aanu ka qaadanay racfaan, annagu Madaxweyne Rayaale kamaanaan dalban inay na saamaxaan, iyaga ayaa nooga baahan cafis iyo saamaxaad, tallaabadana anagu ma garanayno wax aanu ku macnayno, waayo, inta xaq-darro nalagu xidhay ayuun baa haddana nala soo daayay, sidaas ayuun baanu u aragnaa laakiin wax macno ah oo ay noo samaynaysaa ma jirto.”

Suxufiyiinta waxay aad ugu mahadnaqeen dadweynaha reer Somaliland ee ka xumaaday xadhigooda xaq-darrada ah, iyagoo si gaar ah ugu mahadnaqay dalada ururada xuquuqal-insaanka ee SHURO-NET, Qurbo-jooga Somaliland, ururada Bulshada, hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, ururada caalamiga ah ee saxaafadda iyo kuwa wadaniga ah, sida SOLJA, xisbiyada Mucaaridka ah, goleyaasha baarlamaanka, saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland iyo dhammaan cidii gacan iyo afba ka geysatay sii-deyntayada iyo difaaca xoriyatul-qawlka Somaliland.

Intaas ka dib gaadiid aad u farabadan oo ay wateen dadweynaha soo dhawaynayay suxufiyiinta xabsiga Mandheera laga soo daayay, ayaa suxufiyiinta u soo gelbiyay dhinaca Hargeysa, waxaanay markii ay Hargeysa soo gaadheen dhexmareen jidka weyn ee badhtamaha magaalada mara, iyadoo ay suxufiyiinta iyo dadweynihii galbinayay abaaro 3:00 galabnimo soo gaadheen xarunta Wargeyska Haatuf, halkaas ubaxyo soo dhoweyn ah loogu geliyay saddexda suxufi.

Dhinaca kale, War-saxaafadeed uu shalay gelinkii dambe soo saaray Afhayeenka cusub ee Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge ayuu ku sheegay inuu Madaxweyne Rayaale cafis u fidiyay suxufiyiinta Haatuf, oo saddex ka mid ahi muddo saddex bilood ku xidhnaayeen xabsiga Mandheera, halka mid kalena uu dhuumasho ku maqan yahay, kuwaas oo ay horraantii bishan Maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday xukun ciqaabeed oo gaadhaya laba sannadood iyo labada sannadood iyo badh, iyadoo Maxkamaddu xukunkeedaas u cuskatay xeerka ciqaabta ee dalka Somalia la odhan jiray.
Hase yeeshee war-saxaafadeedkan laguma sheegin in cafiska Madaxweynaha uu ku jiro xukunkii xayiraadda iyo ganaaxa isugu jiray ee ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku ridday Wargeyska Haatuf.

Afhayeenku wuxuu sheegay inuu Madaxweynuhu cafiskan suxufiyiinta Haatuf u cuskaday isagoo eegaya danta, maslaxadda guud iyo marxalada maanta ka taagan Geeska Afrika.
 

Top


Dagaal Lagu Hoobtay Oo Ka Socda Muqdisho Iyo
Ciidamada Ka Soo Horjeeda Itoobiyaanka Oo Xalay Dib
Ula Wareegay Goobihii Laga Qabsaday

Mogadishu, March 30, 2007 (Haatuf) – Dagaal dad badani ku dhinteen oo ayaa shalay dib uga bilaabmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay iskaga horjeedaan kooxaha dagaalyahaniinta ah ee Muqdisho iyo ciidamada Itoobiyaanka oo ay taageerayaan ciidamada dawladda Cabdillaahi Yuusuf.

Kadib markii ay dhammaatay xabad-joojin toddobaad ah oo ay hore u kala saxeexdeen ciidamada Itoobiya iyo madax-dhaqameedka beelaha Hawiye, ayay ciidamada Itoobiya oo ay taageerayaan diyaaradaha Helikopters-ka ah iyo taangiyadu, ayaa hawl-galo hor leh ka bilaabay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, goobahaas oo ay isku urursanayeen kooxaha dagaalyahaniinta ah ee ka soo horjeeda ciidamada Mbagathi iyo kuwa shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dagaalkaas oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa marba marka dambaysa sii xoogaysanayay, ayaa ciidamada Itoobiyaanu ay dib u riixayeen maleeshiyaadka ka soo horjeeda, hase yeeshee xilliyadii duhurkii ayay maleeshiyaadka ka soo horjeeda ciidamada Itoobiya awoodood koradhay, waxaanu dagaalku ku sii xoogaystay agagaarka Isgoyska Ifka-Xalan ee magaalada Muqdisho.

Hal gaadhi oo nooca loo yaqaan Ural oo ay saarnaayeen toddoba ka mid ah ciidamada Itoobiya, ayay maleeshiyaadku ku guulaysteen inay gebi ahaantiis gubaan, waxaana halkaas ku dhintay toddobadii askari ee saarnaa.

Meydadka askartaas ayaa lagu arkayay iyagoo shan ka mid ahi yaallaan badhtamaha wadada hor marta Mac-hadka SIMAD, iyadoo la sheegay in laba meyd oo kalena ay dadka degaankaasi jiiteen, isla markaana jidadka xaafadahaas jiid-jiidayeen.

Dagaalkaas shalay ka qarxay magaalada Muqdisho, ayaa sii xoogeystay xalay oo la isku habeensaday, waxaanay kooxaha ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya dib u qabsadeen goobo ka mid ah kuwii shalay gelinkii hore ay gacanta ku dhigeen ciidamada Itoobiyaanka ah, waxaana ka mid ah isgoyska Cali Kamiin, waddada hor marta Garoonka Kubadda cagta Mogadsihu stadium ee General Daa'uud, Hotel Sport iyo waddada dhinaca galbeed ka xigta Stadium-ka.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ku jira gudaha garoonka kubadda cagta, iyada oo kooxaha ka soo horjeedana ay joogaan dhammaan waddooyinka dhinacyada ka mara garoonka.
Kooxahan hubeysan ee ka soo horjeeda ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa sidoo kale kala gooyay oo dhexda u galay ciidamada Itoobiya iyaga oo fadhiistay waddada hor marta Machadka SIMAD, halka ciidamada Itoobiyaanku ay joogaan Isgoyska Ifka-Xalane, ee wadaddaasi dhinaca bari kaga aadan iyo wershadaha oo dhinaca galbeedka ka xigta.
Ugu yaraan 10 askari oo Itoobiyaan ah ayaa iyagana la sheegayaa inay ku dhaawacmeen dagaaladii shalay, halka wararku sheegayaan in ugu yaraan 25 qof oo Soomaali ahi ay ku naf-waayeen, kuwaas 11 ka mid ahi yihiin shicib.

Diyaaradaha Helikobterska ayaa lagu arkayay samada magaalada Muqdisho iyagoo heeheebaya, waxaanay la sheegay inay diyaaradahaasi ka soo duulayeen garoonka magaalada Muqdisho. Hase yeeshee, diyaaradahaas ayaa la sheegay inay xalay u hoydeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ammaankeeda aad loo adkeeyay.

Odayaasha beelaha Hawiye ayaa ku eedeeyay ciidamada Ethiopia in ay duulaan ku soo qaadeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, isla markaana ay jabiyeen Xabad joojintii ay hore u kala saxeexdeen labada dhinac.

Nabadoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka odayaasha Beelaha Hawiye ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay ku xadgudbeen xabad joojintii isla markaana ay duulaan qorsheysan ay ku soo qaadeen fadhiisimo ay ka mid yihiin Madaxtooyada, wasaaradii hore ee Gaashaandhigga, iyagoo la wareegay degaano dhowr ah oo ku yaala caasimadda.

"Wada hadalo ayaa inoo socday, xabad joojina waa la isku ogaa, laakiin waxaan u argnaa dagaalkan mid qorsheysan oo nalagu khiyaameeyay" ayuu yidhi Nabadoon Axmed Diiriye.
Nabadoonku waxa uu ku eedeeyay ciidamada Itoobiya in ay gumaad ka wadaan caasimadda, waxaanu ugu baaqay beesha caalamka in ay wax ka qabato gardarada iyo gumaadka ciidamada Itoobiya ay ka wadaan caasimadda Somalia.

Dhinaca kale, Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawlada Mbagathi, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ka dhacaya magaalada Muqdisho uu yahay mid u dhaxeeya ciidamada Dawlada Itoobiya oo taageeraysa Mbagathi iyo kooxo ka soo horjeeda ammaanka caasimada Muqdisho.

Gacma Dheere wuxuu sheegay in dagaalku uu yahay mid ay wadaan kooxo uu ku tilmaamay in ay ka soo horjeedaan ciidamada Itoobiyaanka oo doonaya in ay fadhiisimo cusub oo ay doonayaan in ay ku sugaan ammaanka caasimada ka sameystaan goobo ku yaala magaalada Muqdisho.

Gacmo Dheere ayaa intaasi ku daray in haatan caasimada Muqdisho inta badan ay gacanta ku hayso Dowlada Mbagathi isla markaana ay dhawaan soo afjari doonaan dagaalada iyo amaan xumida ka jirta magaalada Muqdisho.

Top


Kooxo Ciidanka Bileyska Iyo Asluubta Ah Oo Tababar Loogu
Soo xidhay Xarunta Birmadka Hargeysa

Hargeysa, March 30, 2007 (Haatuf) – Wasiirul Dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland, Jaamac Cabdilaahi Nuur (haybe) ayaa shalay Labaatan xubnood oo isugu jira Bileys iyo asluubta oo Muddo afar todobaad ah la barayay siday tababareyaal u noqon lahaayeen ugu soo xidhay xarunta Ciidanka Birmadka ee Magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda UNDP ayaa munaasibadii xidhitaanka hadal gaaban oo uu wasiiru Dawluhu ka jeediyay waxa ku uu sheegay in barashada cilmigu aanay da’a lahayn oo uu qofku baran karo, kaas oo sheegay in looga baahan yahay xubnahan tababarku u dhamaaday sidii ay uga faa’iidaysteen aqoonta tababarka in ay iyaguna u sii gudbiyaan.

"Insha allaahu Mustaqbalka soo socdana tababarku wuu idiin socon doonaa, mid midha dhalana waan rajeynayaa in uu noqdo" ayuu yidhi Wasiiru dawlaha Arrimaha Guduhu, waxaanu u mahadnaqay hay’adda UNDP, Macalimiintii tababarkaasi iyo ka qaybgalayaashii tababarkaasi.

Taliyaha Ciidanka Bileyska Maxamad Saqadhi Dubad oo isaguna xidhitaankii tababarka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Dugsiga Tababarka Ciidanka Bileyska ee Mandheera in hadda marka dayactirka lagu sameeyo in 32 Sarkaal oo Bileys ihi ay geli doonaan, kaasi oo uu sheegay in Itoobiyana ay ka sugayaan in 283 Askari oo isugu jirra Qaybaha kala duwan ee bileyska ay tababar dalka gudihiisa iyo Itoobiyaba ay ku siin doonaan, waxaanu sheegay oo kale in Askarta Obiiga Saldhigyada ka hawl gasha iyagana Tababar ay siin doonaan sidoo kalena ay ku xigsiin doonaan Dembi Baadhayaasha, Taliyayaasha Saldhigyada iyo Taliye Qaybeedyada.

Waxaanu intaa Raaciyay in ay u raadinayaan oo kale ciidanka Tababar dibadeed si aqoontooda loo tayeeyo, waxaanu yidhi: “Waxa maanta laga cabanayaa waa Saldhigyada, Danbi-baadhayaasha iyo Obiiga Qorayaasha ama diiwan geliyayaasha, waxaananu doonaynaa in arrintaa wax ka qabano oo dib u eegno sidii aanu aqoontooda u tayayn lahayn si aan u gaadhsiino sidii uu ahaan jiray bileysku.”

Waxa kaloo uu sheegay in ay dhisi doonaan Hay’ad la mid ah (CID)da oo wadanka oo dhan ka hawl gasha haddana sii xulan doonaan dadkii ka hawl geli lahaa Hay’adaasi kuwaasi oo ay tababar sii siin doonaan, sidoo kalena waxa uu xusay in uu magacaabayo Sarkaalka Xidhiidhka Dadweynaha iyo Bileyska.

Taliyuhu waxa uu intaa Raaciyay in ay Bileysku leeyihiin Kooxdii Kubadda Cagta, doonayaana in ay sii hormariyaan, waxa sidoo kale uu sheegay in Bileysku ay diyaar u yihiin in ay ka qaybqaataan Wacyigelinta Cudurka HIV/Aidska.

Mr Saqadhi waxa uu intaa ku ladhay in bileys ahaan ay dhiirigelinayaan Dumarka , Waxaanu u mahadnaqay Hay’adda UNDP, Macalimiintii Casharada bixinayay iyo Xubnihii tababarkaasi u dhamaaday oo uu ku booriyay in ay gudbiyaan aqoontii tobabarka ku qaateen.

Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka tirsan hay’adda UNDP oo hadal halkaasi ka jeedisay ayaa sheegtay in Tababarka Bileyska ay siiyaan uu noqon doono mid sii socda, iyadoo sheegtay in tababaradani ay hay’ad ahaan siiyaan Bileyska iyo Asluubta ay uga dan leeyihiin sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen aqoonta ciidanka si loo hello Ciidan ugu adeega Bulshada si fiican, isla markaana waxa ay tibaaxday in ay doonayaan in Gobolada kalena ay fuliyaan tobabar noocan ah taas oo sheegtay in ay rajeynayso in sanadka soo socda la helo Bileys tayo leh oo Aqoontiisu dhisantahay oo caalamka Bileysyadooda la tartama.

Marwo Faadumo waxa ay intaa ku dartay in dayactir weyn ku sameynayaan dugsiga tababarka Mandheera iyadoo sheegtay in gaadhi cusub oo ah Xaajiyad Four Wheel ah ay siiyeen Dugsigaasi.

Waxaanay Marwo Faadumo ku boorisay Ragga Bileyska ah iyo Madaxdoodaba in ay soo dhaweeyaan Dumarka isla markaana dhiirigaliyaan, kana qaybqaataan sidii ay u dhisi lahaayeen aqoonta Dumarka Bileyska ah.

Waxaanay u mahadnaqday ka qeybgalayaashii, Masuuliyiintii iyo macalimiintii casharada bixinaysay.

Waxa kaloo xidhitaankii Tababarkani ka hadlay Mr Stuart Donalson oo ah Sarkaal ka Tirsan Hay’adda UNDP.

Top


Wafdi Sare Oo Ka Socda Midowga Yurub Oo Shalay
Booqasho Gaaban Ku Yimid Somaliland

Hargysa, March 30, 2007 (Haatuf) – Wafdi sare oo ka socda ururka Midowga Yurub (European Commission) ayaa shalay booqasho saacado ah ku yimid dalka Somaliland.
Weftigan ayaa shalay abaaro 10-kii Saac ka soo degay gegida diyaaradaha ee madaarka Hargeysa, isla markaana waxay socodkoodii ugu horeeyey u amba-baxeen xabsiga weyn ee Mandheera, halkaas oo ay ku xidhnaayeen suxufiyiintii Haatuf. Waxaanay weftigani ka koobnaayeen 5 xubnood oo uu hogaaminayay Mr Eric Vanderlinden oo ah ergeyga u fadhiya midowga Yurub dalka Kenya.

Weftigan EU-da ayaa markii ay ka soo laabteen jeelka Mandheera waxay xarunta madaxtooyada kula kulmeen Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxaanay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen arrimo ku saabsan doorashooyinka soo socda iyo qaabka iyo xeerarka dawlada Somaliland ugu talo-gashay in ay u suurto-geliso doorashooyinkaasi in ay si xaq ah u dhacaan.

Weftiga waxay uga mahad-celiyeen horumarka Somaliland ka gaadhay geedi-socodka dimoqraadiyada, waxa kale oo ay ku amaaneen Somaliland waxyaabo badan oo ay kaga wanaagsan tahay Africa inteeda kale.

War-saxaafadeed qoraal ah oo arintaasi ku saabsan oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, kuna saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge ayaa waxa uu u qornaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti balaadhan oo ka socda ururka isbahaysiga Yurub (European Commission), weftigaasi oo ka kooban shan xubnood oo uu hogaaminayay Mer Eric Vander Linden oo ah ergeyga u fadhiya midowga yurub dalka Kenya.
Madaxweynaha iyo weftigu waxay ka wada hadleen arrimo ku saabsan doorashooyinka soo socda oo ka dhici doona dalka JSL iyo qaabka iyo xeerarka Somaliland ay ugu talo-gashay si ay u suurto-geliso in doorashooyinkaasi si xaqa u dhacaan.
Weftigu waxa ay uga mahad-naqeen Somaliland iyo hogaankeeda horumarka ay ka gaadhay geedi-socodka dimoqraadiyada. Weftigu waxa kalooy ku amaaneen in ay samaysay Somaliland waxyaabo badan oo ay tahay Africa inteeda kale inay kaga dayato.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu u sheegay wafdiga in sida ugu dhakhsaha badan ay ku soo gabagabayn doonaan waxyaabaha ka qabyada ah arrimaha ku taxaluuqa doorashada, isla markaana madaxweynuhu waxa uu ugu mahad-naqay deeq-bixiyayaasha ka tirsan urruka EU-da taageerada iyo kaalmooyinka ay ka siiyeen Somaliland sidii ay ugu talaabsan lahayd nidaamka dimoqraadiyada iyo mashaariicda kale ee horumarka ee ay inaga caawiyaan”.

Top


Helidda Cadaaladda Iyo Xaq-Soor Dhab Ah

Bayaan

“Mudanayaal hadaanu nahay labada beelood ee kala ah H/C iyo M/Case, kana mid ah saddexda beelood ee beesha Gadarbuursi ee gobolka Awdal, waxay dawladda u sheegayaan, gaar ahaan labada gole ee guurtida iyowakiilada in caddaalad iyo xaqsoor ayna u baahan yihiin dadweynuhu, balse dawladda lafteedu waxay u baahan tahay inay ummaddeeda usamayso cadaalad iyo xaqsoor cadaaladaysan si ay u hesho kalsoonida shacbiga, wada shaqayn run ah, oo ay beeni ku dahsoonayn oo ka dhexeeya dawlada, gaar ahaan xukuumada iyo shacabkeeda, haddii kale…..

Mudaneyaal anagoo qoraalkayaga taas ugu sal-dhigayna waxaanu labada gole qaran guurti iyo wakiilo la socodsiinaynaa in komishanka dhawrkii sanno ay xubinta reer Awdal metelaysay beel kaliya oo ah beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha Somaliland, si cadaalad iyo xaqsoor loo helana loo baahan yahay inxubin heer qaran iyo tan heer gobolba laga dhigo labada beelood ee kala ah kuwa aan kor ku soo xusnay, loona kala qaybiyo.
Haddaba, haday xukuumadu samayn weydo cadaalad oo tamarteedu ay noqoto in ay reer Awdal ay moodo meel kaliya, waxaan leenahay maaha ee golayaashu hadayna reer Awdal aqoon waa saddex beelood oo siman, labana ay degan yihiin ubucda lana halmaami karin, waxaanuna labada gole qaran ka codsanaynaa in caddaalada la sugo, komishankana ay xubnaha Awdal ay ka soo baxaan beelahaas kale.

Mar-labaad waxaanu masuuliyiinta labada gole si gaar ah uga codsanaynaa in awrkii Awdal ee dhinacuun ka rarnaan jirey dhinicii murxay oo aanu xadhig dambe qaban karayn ee loo baahan yahay in si fiican maanta loo raro, xaqsoor iyo cadaaladna loogu raro.

Caddaaladu waa xaqsoorka ummadda, caddaalada dawlad kastana waxaa laga dheehan karaa xaqsoorka ay u samayso ummadda ay masuulka ka tahay, xaqsoorkaasina wuxuu keenaa in ay ummaddu la jaan-qaado dawladaheeda si hufan, taas oo dalkana u keenta horumar dhab ah si taas loo helana ay leedahay awoodeeda sharciyeed oo u gaar ah, ilaalisana haybadda.

Haddaba, annagoo ah duqayda hoos ku saxeexan ee ka tirsan beelaha kala ah M/Case iyo H/C oo ka tirsan beelaha Gadarbuursi, waxaan hambalyo iyo guubaabin u diraynaa golaha wakiilada Somaliland sida taxadirka iyo foojignaanta leh ee ay isku hortaageen magacaabida xukuumada ee xubnaha komishanka oo ku dhisnayd xaqsoor caddaaladeed, balse ah mid mar walba dhinac uun ka raran, marka gobolka Awdal oo kale laga eego.
Sidoo kale, xubnaha golayaasha qaranka kaga jira labada beelood waxaa lagu adkaynayaa in ay xilkaiyo waajibaadka ka saaran xuquuqda beelahooda si hufan ugu raadshaan golayaasha dhexdooda, si gaar ahna waxaanu masuuliyiinta golayaasha qaranka uga codsanaynaa inay hoos u eeggaan xaqsoorka beelaha ku dhaqan gobolka Awdal oo had iyo jeer aad moodo in awrku uu dhinac u dheeliyayo, taas oo keeni karta in habac-galo is-fahanka iyo wada shaqaynta ka dhexaysa dawladda iyo labadeeda beelood.

Guddida Cuqaasha ee Labada Beelood:
1. Caaqil Ibraahim Geedi
2. Suld. Daahir Cismaan Cilmi
3. Caaqil Dugsiiye Cumar Gadiid
4. Caaqil C/Laahi Aadan Maxamed
5. Duq. Xaaji Ismaaciil Xasan Cawaale
6. Caaqil Cusmaan Barkhad Xirsi
7. Caaqil Cilmi Faarax Wacays
8. Caaqil Deyr Yuusuf Xuseen
9. Duq Muuse Cismaan Dhegaweyne
10. Caaqil Muuse Xuseen Faatax
11. Caaqil Abshir Muxumed Ducaale
12. Caaqil Cabdi Aadan Aare.
13. Idirisi Axmed Bookh
14. Tukaale Riiraash
15. Abiib Daahir Jimcaale
16. Faarax Muuse Cige.

Top


Xaaladda Dalka Somaliya Ee Sii Cakirmaysa Iyo Xaqiiqda
Weli Aan Loo Soo Noqon

Ibraahin Nuur Garow

Somaliya ayaa gashay marxalad colaadeed ooh or leh, kana duwan kuwii hore, taas oo salka ku haysa qabiil, gaar ahaana labada qabiil ee Hawiye iyo Daarood oo hadda ka hor aan si fool-ka-fool ah isku muddan, iyaga oo qolana talo qaadato.

Arrintan maanta ka dhex taagana waxaa halkaas oo gaadhsiiyey shirarkii badnaa ee loo qabtay oo gacmo shisheeye hagayeen, kana fogaa xaqiiqda iyo runta taala Somaliya, lana abaarin wadada ugu dhow siday xal kuiman karo, waxaanan ku meteli lahaa shirarkaa inay ahaayeen xaliya masrax laga daawado loolanka siyaasadeed ee ka dhexeeya dawladdaha gobolka Geeska Afrika, Jaamacadda Carabta,EU-da iyo Maraykanka ee danaha ay ka leeyihiin Somaliya iyo kolba cida kale ee markaa la danaynayo. Waxaana ka muuqanayay kolba inta ku gacan sareeysa hogaaminta iyo jihaynta shirka, kaas oo marka ay maamulka ku soo hamuumoodaan qolada kalena waxay ku maqan tahay sidaymaamulkaa u fashili lahayd, shir kalena dib loogu qaban lahaa.

Arrintan maanta taagan waxa hogaanka u soo dhuftay markii ciidamo dawladda ku meel gaadhka ah iyokuwa Itoobiyaanka ahoo iskaashanaya jebiyeen maleeshiyaadkii maxkamadaha islaamiga ah ee iyaguna ka adkaaday hogaamiye kooxeedyadii qabiil ku daaqa ahaa ee la baxay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada. Maxkamadaha oo nabadii muadda gaabanlagu dhakoolay Muqdisho ka suura-geliyey ayaan la iman tab macquul ah oo ay kula dhaqmaan dawladda ku meel gaadhka ah iyo dawladaha jaarka ah, taas oo laga yaabo inay hakin lahayd dagaalkii ay ku jabeen.

Haddaba, su’aashu waxay tahay maxaa laga fili karaa shirka dib u heshiisiinta la mudeeyey in bisha April gudaheeda lagu qaban doono Muqdisho, shirkaa ayayna adag tahay sida uu ku qabsoomaa hadii she u suuro-galo, lagamana fili karo rajo weyn oo xaaladda ka alosan Muqdisho wax ka bedesha, waayo weli budulkii hore ee ma dhalayska ahaa ayaa la hayaa, sidaas awgeed, waxaan qoraalkan ku soo qaadan doonaa saddex arrimood oo bud-dhig u ah xal la’aanta mushkiladaha qolaha Somaliya.
La soco………….

Top


Madaxweyne Ku-Xigeenka Iyo Axmed Siillaanyo Oo
Ka Qayb-Galay Aaskii Marxuum Haybe Cumar Magan

Hargeysa, March 30, 2007 (Haatuf) – Alle haw naxariistee waxa shalay si heer qaran ah loogu aasay degmada Gabiley Marxuum Haybe Cumar Magan oo ahaa la-taliyihii arrimaha difaaca ee madaxweynaha Somaliland oo maalintii doraad ku geeriyooday dalka Djibouti, halkaas oo meydkiisa diyaarad lagaga soo qaaday, lana keenay magaalada Hargeysa.
Munaasibada aaska Marxuum Haybe Cumar Magan waxa ka qayb-galay madaxweyne kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiilada, xubno ka tirsan golaha wasiirada, gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo, xubno ka tirsanaa hogaamiyayaashii ururkii SNM, hogaanada taliska guud ee ciidanka qaranka, culimaa’udiin iyo dadweyne farabadan.

Ugu horeyn, madaxweyne ku xgieenka Somaliland oo ka hadlay munaasibada aaska marxuum Haybe Cumar Magan ayaa yidhi “Horta naf waliba way dhadhaminaysaa mawdkan, anigoo ka wakiila madaxweynaha Somaliland waxaan ka tacsiyadaynayaa shacbiga Somaliland siiba qoyskiisii, waxaanu ahaa nin inagu aaliya oo ka mid ahaa saraakiishii qadiimiga ahaaa, imikana ahaa la-taliyaha difaaca ee madaxweynaha. Anigu maanta Marxuum Haybe u baqi maayo, waxaanu ahaa ehlu werdi, waxaan leeyahay abshir fii janna, illaahayna samir iyo iimaan haynaga siiyo, janadii fardawsana alle ha ka waraabiyo”.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna munaasibada aaska ka hadlay ayaa yidhi “Haybe wuxuu ahaa shakhsiyaad aad u wey, dhinac kastoo laga eego, wuxuu ahaa saraakiishii culayska weyn lahayd ee dalkanu soo halgantay, xoreyntiisa iyo gobanimadaba, markii dalka la qabtayna wuxuu ahaa raggii xilka weyn hayay, qaybta galbeedka ee masuuka ka ahaa. Sida la wada sheegay wakhtigii halganka ee dalka la so galay wuxuu ahaa raggii degaanadii ay gacanta ku hayeen nabadaynta ka dhaliyey, waxa uu ahaa shakhsiyaad aad iyo aad u macaan oo wax dhibaato ah dadka u geysan. Waxaanu leenahay nxariistii janno Illaahay ha ka waraabiyo, kuligeena Illaahay samir iyo iimaan ha inga siiyo”.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Wuxuu ahaa marxuum Haybe Cumar ninkii ugu horeeyey ee isagoo sarkaal ah xilkii nidaamkii Siyaad Bare isaga yimid ee ku soo talaabay SNM isagoo hubaysan, isla markaana gaadhigii uu watayna si geesinimo leh ugula soo badheedhay inuu la soo dhexmaro ciidamadii faqashta, gaar ahaan degaanka Gaalkacayo, waxaanu ahaa nin cibaado badan, Illaahayna ha u naxariisto, simir iyo iimaana ha inaga siiyo marxuumka”.
Wasiirka arrimaha gudaha Somailland C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) ayaa isaguna yidhi “Marxuumka Illaahay ha u naxariisto, nin ehlu diin ah oo cibaado badan oo ummadda ka war-haya, isla markaana waaniya ayuu ahaa, illaahayna naxariistii janno ha ka waraabiyo, samir iyo iimmaana ha inaga siiyo”.

Waxa kale oo iyaguna munaasibadaa aaska marxuumka ka hadlay Xildh. C/kariin Aw Cali Shabeel, Sh. Ismaaciil Cabdi Hure, Wasiirka dib u dejinta Abshir Axmed Xasan, Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe).

Top


Culimadda Suna Wal-Jamaaca Oo Ku Baaqay In Xuska
Mawliidka Nebiga La Weyneeyo, Wixii Khilaaf Ahna Laga Ilaaliyo

Hargeysa, March 30, 2007 (Hargeysa) – Culimada Suna Wal-jamaaca ayaa ummadda reer Somaliland ugu baaqay in si weyn loo xuso munaasibada xuska nebi Muxumed (CALAYHI SALAATU WASALAAM) oo ku beegan maalinta Sabtida ah, isla markaana ka digay in munaasibada mawliidka la geliyo wax khilaaf iyo muran ah.

Culimada Suna Wal-jamaaca waxay sidaas ku sheegeen kulan ay shalay subax ku qabteen magaalada Hargeysa, kulankaasi oo ay kaga hadlayeen xuska mawliidka nebi Muxumed (CALAYHI SALAATU WASALAAM) sidii loo weynayn lahaa, isla markaana looga ilaalin lahaa wax khiaaf ah oo la geliyo, iyaga oo khudbadaha masaajidada laga jeediyo Salaada Jimcena ugu baaqay in si weyn loogu soo darro fadliga weyn ee ku jira xuska mawliidka nebigeenii suubanaa ee Muxmed.

Sh. Maxamed Yuusuf Saban oo kulankaasi ka hadlay, waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaanu maanta kulankayagan u qabanay, maadaama xuskii Nebi Muxamed (CALAYHI SALAATU WASALAAM) uu kaabiga ina soo saaray ayaa waxaanu ummadda reer Somaliland ee muslimka ah ugu baaqaynaa in xuska mawliidka nebigeenii suubanaa si weyn oo balaadhan looga xuso gobolada dalka oo dhan, isla markaana waxaanu uga digaynaa in khudbadaha masaajidada laga jeediyo Salada Jimcaha aan lagu soo qaadin khudbado shaki gelinaya xuska mawliidka Nebi Muxumed, balse si weyn loogu soo qaado ahmiyada weyn ee ay leedahay xuska mawliidka nebigu, sidaas darteed waxaanu ugu baaqaynaa in ummadda reer Somaliland Cirroole iyo caruur ay si balaadhan uga qayb-galaan xuska mawliidka Nebi Muxumed (CALAYHI SALAATU WASALAAM).
Waxa kale oo isna halkaas khudbado ku waajahan xuska mwliidka ka soo jeediyey xubno ka tirsan culimada Suna Wal-jamaaca.

Top


Dar-Daaran Suxufi Q2

Doogta igu kicinaya
Horaan uga daalee
Dembi miyaan galay
Duunyo miyaan dhacay
Daa'inka rabigay ah
Denbi miyaan ka galay
Darxumo maxaa ibaday
Doorkan manta ah
Sowtaan ku daalee
Dalacaada qaatee
Dalkan aan xoreeyee
Dimuqraadi noqdee
Dulmigii hadaafee
Meeshii laga soodiray
Dib ugu noqdee
Dabarkooda jaray
Dulucdiyo ujeedada
Waxaan uga dan leeyahay
Dabarkii dawladaa maqan
Dantii shacbigaa luntay
Darajadii ciidankaan jirin
Dareenkii dadkaa haftay
Dumaasha kii ku yimi
Darka dhinac uu kagalomooyee
Dan kaleba malaha
Dan maaha sidaasi
Daw maaha sidaasi dimuqraadi maaha
Diktaatooriyad weeye
Duli haqaadeen weeyi
Dastuurka dalkiyo
Diinta alle fuli weeye
Gabaygu waa dar-daaran
dar-daaran suxufi weeye

Faarax Jaamac

Top