Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1395 Apr.20, 2007

Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Ingiriiska Oo Xukuumadda Tony Blair Wax Ka Weydiiyay Xayiraadda Xoolaha Ee Somaliland

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Dagaaladii Dhexmaray Maleeshiyadiisa Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Eedeeyey Inay Ka Dambeeyeen Dad Reer Muqdisho Ah

Muwaadin Somalilander Ah Oo Hindisay Bamka Biyaha Soo
Saara Oo Ku Shaqaynaya Awooda Dabeysha

Baabuur Itoobiyaana Iyo Ciidankii Saarnaa Oo Shufbeelay Iyo
Ciidamo Isku Dhiibay Kooxaha Wax Iska Caabinta Muqdisho

Gaadhi Laga Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa Oo Lala Beegsaday
Fadhiisin Ay Ciidamada Itoobiya Ku Leeyihiin Muqdisho

Geeridii macalin R.R. Darlington

Ayax Ku Habsaday Degmada Faraweyne Iyo Degaamo Kale
Oo Ka Tirsan Gobolka Hargeysa

Guddidii Golaha Wakiiladu U Saaray Cabudhinta Saxaafadda Oo Kulan La Yeeshay Taliyaha Ciidanka Bileyska

Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xukun Dil Iyo Xadhig
Isugu Jira Ku Ridday Xubnihii Falalka Argagixiso Ka Fuliyey Somaliland

“Damaca siyaasiga ah ee aan leeyahay waa ka xisbigayga Kulmiye. Maalinta ay ii gadmayso damacayga siyaasiga ahi waan soo bandhigi doonaa"
Waraysi khaas ah oo Golisnews la yeelatay Muj. Maxamed Kaahin

Allaybaday: Roobab Khasaare Gaadhsiiyay In Ka badan 70
Haro Biyood, Bustaano Kalena Baabi’iyay

Aayihii Dalkow Uuraysatee Yaa Kaa Umulin?
By Ugaas Barde


Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Ingiriiska Oo Xukuumadda Tony Blair
Wax Ka Weydiiyay Xayiraadda Xoolaha Ee Somaliland

London. April 20, 2007 (Haatuf) – Lord Avebury oo xisbiga Liberal Democrat ugu jiray aqalka sare ee Odayaasha dalka Britain, ayaa xukuumadda Tony Blair wax ka weydiiyay xayiraadda Sucuudigu ku soo rogay xoolaha Somaliland uga dhoofa.

Mudanahan ayaa su’aashaas waxa uu weydiiyay gabadha la yidhaahdo Baroness Amos oo metelaysay xukuumadda Britain, isagoo intaas ku daray inuu nuqul laga dheehan karo mashruuca JNA, waxaanu yidhi: “Ma jiraan wax horumar ah oo laga sameeyay xalinta cunaqabataynta xoolaha Somaliland ee ay ku soo rogeen wadamada carabta iyo in laga heli karo maktabadda Ingiriiska Nuqul laga dheehan karo macluumaadka JNA oo si gundheer uga waramaya barmaamijka dib u dhiska iyo dib u habaynta Somaliland ee dhawaan guddida JNA daraasada ka samaysay?”.

Baroness Amos ayaa iyadoo ka jawaabaysa su’aasha Lord Avebury waxay tidhi: “Xoolaha la joojiyay dhamaantood waxay ka siinaayeen Somalida oo dhan, waxaana xayiraada laga qaaday sanadkii 2006, laakiinse waxa taas ka dambaysay xanuunka Rift Valley oo billawgii sanadkan ku soo noqday meelihii lagu arkay berigii hore, taas oo ku keliftay Sucuudiga iyo wadamo kale oo carbeed inay joojiyaan xoolaha Somalida.”

Ms. Baroness Amos waxa kale oo ay intaas raacisay in wadamada Yurub ay wadaan sidii ay u abuuri lahaayeen istiraatijiyad mucaawinooyin waxtar leh lagu siinayo Soomaalida iyo sidii kalsooni buuxda xoolaha Somaalida loogu soo celin lahaa, “talaabooyinkaasna waxa ka mid ah sidii loo heli lahaa adeeg aan kharash badan ku kicin isla markaana sugaya caafimaadka xoolaha, in la horumariyo daryeelka xoolaha Somalida ayaa qayb kaga jirta mashruuca JNA ee loogu talo galay dib u dhiska iyo qorshaha horumarineed ee Soomaalida. Macluumaadka ay JNA soo ururisay waxay ka koobnaayeen lix qaybood waxaana laga heli karaa internet ka, hawshuna imika way socotaa oo waxa isku dubaridkeeda u xilsaaran World Bank ka iyo UNDP oo loogu talo galay qaybaha maamulada Soomaalidu ka kooban yihiin barmaamijka ka dib iyo qorshaha horumarineed kaas oo la filayo marka la soo dhamaystiro macluumaadka in iyagana website-ka la soo galin doono” ayay hadalkeena ku soo xidhay.

Top


Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Dagaaladii Dhexmaray Maleeshiyadiisa Iyo Ciidanka Qaranka Somaliland Ku Eedeeyey Inay Ka Dambeeyeen Dad Reer Muqdisho Ah

Boosaso, April 20, 2007 (Haatuf) - Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland ee Somalia Xasan Dahir Afqudhac ayaa sheegay in dagaaladii dhawaan ku dhexmaray maleeshiyada maamulkiisa iyo ciidanka Qaranka Somaliland degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ee Somaliland inay ka dambeeyaan dad reer Muqdisho ah oo Hargeysa ku sugan, kuwaasi oo doonaya inay ku bur-buriyaan dawladda Imbagathi iyo maamulka Puntland.

Afqudhac waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey khudbad uu ka jeediyey shir ka dhacay magaalada Boosaaso 17/04/2007, oo lagaga hadlayey sidii loo sugi lahaa ammaanka magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee maamulka Puntland.

Waxaanu Af-Qudhac isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. "Waxaa dagaalkii Dhahar ka masuul ah oo dabada ka wada reer Muqdisho oo hadda ku sugan Hargeysa. Kuwa dagaalka horinaya waa kuwo aan doonayn oo ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya, waxanay ka shaqaynayaan sidii loo wiiqi lahaa dawlada federaalka, markaa maadaama aan anagu dawlada taageerno ayaa la doonayaa in Puntland dhibaato loo gaysto"
Waxa kale oo uu Af-Qudhac sheegay inay dagaalada Dhahareed ee Somaliland iyo Puntland ka dambeeyaan dawlado shisheeye oo aanu magacaabin.

Madaxweyne ku xigeen Af-Qudhac, isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi "Ma aha cidda la soo weeraray madaxweynwaynahayaga, kuxigeenka oo aniga ah iyo dawalada Puntland, laakiin waxaa la doonayaa in la burbuiryo waa umada Puntland".

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu ka dambeeyey, ka dib markii ay magaalada Dhahar dagaalo ku dhexmareen maleeshiyadda Puntland iyo Ciidanka Qaranka Somaliland 9/04/2007 iyo 12/04/2007, halkaasi oo ay ciidanka Qaranka Somaliland gebi ahaanteedaba gacanta ku dhigeen 12/04/2007, isla markaana ay gaadheen laamida u dhaxaysa Boosaaso iyo Garoowe ee maamulka Puntland, balse ay markii dambe ka soo baxeen, ka dib markii sida uu sheegay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somaliland sidaasi ku amray.
 

Top


Muwaadin Somalilander Ah Oo Hindisay Bamka Biyaha Soo
Saara Oo Ku Shaqaynaya Awooda Dabeysha

Hargeysa, April 20, 2007 (Haatuf) – Bam aan noociisa hore loo arag oo ku shaqaynaya dabaysha ayaa farsamadiisa laga hindisay markii u horeysay taariikhda Somaliland.
Bamkan oo saacadii soo saaraya 6m3 waxa lagu farsameeyey Geerash ku yaala magaalada Hargeysa oo magaciisa la yidhaahdo Modern Technology Workshop, waxaana ikhtiraacay Engineer reer Somaliland ah oo magaciisa la yidhaahdo Eng. C/Raxmaan Cali Aadan, kaasi oo ku shaqeeya farsamada gacanta.

Weriye ka tirsan Haatuf oo Bamkan cusub ku arkay meesha la yidhaahdo Qadhiidha oo ku taala duleedka galbeed ee tuulada Abdaal ee degmada Mandheera ee gobolka Saaxil, oo bamkan tijaabo ahaan loo geeyey beero halkaasi ku yaala.

Sida u sheegay Weriyaha Haatuf oo halkaasi booqday shalay, ninka masuulka ka ah beerta tijaabada loo geeyey bamka ayaa u sheegay in bamkani muddadii uu tijaabada ku jiray oo todobaad ahayd uu kaga raystay mishiinkii shidaalka isticmaali jiray ee uu beerta ku waraabin jiray oo kharash badan shidaalkiisu ku kici jiray, isla markaana uu bamkan cusub ee dabaysha ku shaqaynayaa uu lacag la’aan ku soo saarayo intii uu soo saari jiray mishiinkii uu shidaalkiisa lacagta badan ku bixin jiray.

“Bamkani waxa uu ka samaysan yahay dhisme biro la taagay oo Tower ah, madaxana ay kaga rakiban tahay marawaxad weyn oo ay dabayshu wareejinayso, iyada oo marwalba xagga ay dabayshu ka jirto iskeed iskugu jeedinaysa, iyada oo wareega dabayshu ku samayso marawaxadaasi soo bam garanayso biyihii mishiinku ceelka ka soo tuuri jiray”. Sidaa waxa ku waramay Weriyihii Haatuf ee goobtaasi booqday oo sifaynaya bam dabayleedkan cusub iyo sida uu u shaqaynayo.

Hase yeeshee, Eng. C/Raxmaan Cali Aadan oo ah ninkii hindisay bamkan ayaa isaga oo ka waramaya waxa uu yidhi. “Maaha markii koowaad ee aan sameeyo bam noocan oo kale ah, waxa aan hore u sameeyey sannadkii 2000, iyada oo ay waqtigaasi igu maal-gelisay hay’ad waqtigaasi beeraha ka shaqayn jirtay oo magaceeda la odhan jiray Action North Sud, nasiib darrose muu noqon kaasi mid midho dhala, sababta oo ah, markii la geeyey beer ku taala galbeedka Hargeysa, ayaa isaga oo si fiican u shaqaynaya ujeedo kastaba ha ka lahaadeen’e waxa ay igu yidhaahdeen burburi. Balse intaasi kagama hadhin ee waan sii waday, nasiib wanaag, hadda waxa aan dhawaan ku guulaystay inay ii rumawdo riyadaydii ahayd in aan tamaraha dabiiciga ah, sida dabaysha, aan uga faa’iideeyo, iyada oo aan bamkan aad aragto ee dabaysha ku shaqaynaya hirgeliyey, waqtigana tijaabadii ayuu ku jiraay’e, marka ay dhamaato waxa aan ku marti qaadi doonaa masuuliyiinta dawladda ee ay khusayso, cid kasta oo tala ku kordhinaysana waan soo dhaweynayaa”.

Dalad ay ku bahoobeen ururada beeralayda bariga Hargeysa oo magaceeda la yidhaahdo Iskaashatada Beeralayda Bariga Hargeysa, oo shalay iskugu yimid goobta ay ku taalo beerta bam dabayleedku tijaabada kaga jiro ayaa aad ugu bogay, kuna tilmaamay inuu bamkani yididiilo geliyey beeralayda, oo awal ka rajo xumaa sida ay ugu sii shaqayn karaan matoorada oo maalin walba qiimaha laga iibiyo shidaalkiisu sare u sii kacayo.

“Waa cusub ayaa noo beryay, Ilaahay baananu ugu mahad naqaynaa, ninka hindisayna waanu ku hambalyaynaynaa, waxaanu nahay dhawr iyo toban urur oo ah beeralayda bariga Hargeysa, muddo 20 sannadood ahna waxa maalinba maalinta ka dambaysa nagu sii kacayey qiimaha shidaalka matoorada aanu beeraha ku waraabsano, taasi oo aanay cidina naga caawinin, isla markaana hamad jab nagu haysay, iyada oo aanaan sannadkaa galay khasaare mooyee aanaan faa’iido kala kulmin, waayo biyaha waanu iibsanaa iyada oo ceelkii beerahayaga ka qodan yihiin, taasi oo aan ula jeedo shidaalka qaaliga ah ee aanu sida joogtada ugu shubno mishiinada biyaha ka soo saara ceelasha. Sidaasi darteed bamkan cusubi wuxuu soo nooleeyey rajadayadii, oo waad na aragtaa oo waxaas oo beeralay ahi waxay ka kala yimaadeen deegaamada gobolada Hargeysa iyo Saaxil, anaga oo ilaa maalintii la keenay bamkan ka qoob qaadin ee aanu sahaminaynay sida uu u shaqaynayo, waxaananu ku qanacnay inuu yahay mid wax weyn ka taraya ama aanu kaga raysanayno culayskii dhaqaale ee qiimo bararka shidaalku nagu hayay, markaa waxaanu leenahay, dawladda Somaliland iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta beeraha inay muhandiskan gacan nagala siiyaan sidii looga faa’iidayn lahaa bamkan cusub ee cawo qabahani noo hindisay”. Sidaa waxa yidhi, Xasan Saqadhi oo ah Gudoomiyaha Dalada ururada Beeralayda Bariga Hargeysa oo ka hadlayey bamkan cusub ee tijaabada ku jira oo uu ku tilmaamay in muwaadinkii hindisay lagu dhiirigeliyo.

Waa markii ugu horeysay ee bam noocan oo kale ah dalka laga hindiso, iyada oo uu weliba hindisay Eng. Wadani ahi, sidaasi darteed, si loogu dhiirigeliyo inay muwaadiniinta kalena hindisayaal horumarineed u keenaan waxa lagama maarmaan ah in taageerada uu u baahan yahay la siiyo, isla markaana lagu dhiirigeliyo sidii uu u dedaalkiisa intaasi uga kordhin lahaa.

Top


Baabuur Itoobiyaana Iyo Ciidankii Saarnaa Oo Shufbeelay Iyo
Ciidamo Isku Dhiibay Kooxaha Wax Iska Caabinta Muqdisho

Muqdisho, April 20, 2007 (W. Wararka) – Baabuur ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaana ayaa ku burburay agagaarka Jaamicadii lofoole ee degmada Afgooye goblka Shabeelaha Hoose ka dib markii ay ku qarxday miino jidka lagu aasay.

Qaraxan ayaa lagu tilmaamay kii ugu baaxadda weynaa ee ay ciidamada Itoobiya kaga sugan Soomaaliya ay la kulmaan mudadii ay ku sugnaayeen dalkaasi.

Khasaaraha dhabta ah ee uu qaraxani u geystay ciidamada Itoobiya ayaan la sheegay balse dad goob joog ahaa ayaa saxaafadda u sheegay inaanay baabuurkan cidi ka badbaadin, sababtoo ah waxa ka kacay dab aad u xoog weyn baabuurkiina waxa uu noqday dambas.

Waxa la sheegay inay ciidamada Itoobiyaanka ah oo ku sugnaa goobta uu baabuurkaasi ku gubtay ay rasaaseeyeen mid ka mida basaska dadweynuhu raacaan oo ahaa nooca loo yaqaan caasiga oo wadadaas marayay, kaas oo dhaawac ka soo gaadhay afar ka mida rakaabkii baabuurkaasi, dadka ku dhaawacmay rasaastaas waxa ka mid ah gabadh yar oo 2 jir ah oo dhaawac helis ahi soo gaadhay.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa la sheegay inay xaaladoodu adagtahay taas oo keentay inay qaar ka mid ah ciidamadaasi ka firdhadaan cutubyadii ay ka tirsanaayeen isla markaana doonyo ugu baxsadaan xagga dalka Yemen.

Dhanka kale baabuur ay lahaayeen ciidamada Imbgathi oo qori weyni saaran yahay iyo ciidamo ayaa isku dhiibay kooxaha wax iska caabinta beelaha hawiye xili uu dagaal aad u qadhaadhi Muqdisho ka soconayay.

Baabuurkan oo noociisu ahaa TM ayaa waxa saaraa ciidan lagu qiyaasay 50 askari iyo qori Suuga, arintan ayaa dhacday ka dib markii ciidamada u daacadda ah dawlada ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya uu dagaal faraha lagaga gubtay ku qabsaday degmada Wardhiiglay ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay iska horyimaadeen ciidamada lagu magacaabo wax iska caabinta ee beelaha dega magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ay ciidamadu isu dhiibeen ayaa waxa uu socday mudo kooban oo saacad ah halkaasi oo la sheegay in khasaare balaadhan la gaadhsiiyay ciidamada Cabdilahi Yusuf.

Dhanka kale kooxaha ka soo horjeeda ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya ayaa aad u soo dhoweeyay arintan isla markaana dhoola tus balaadhan ka sameeyay qaar ka mida wadooyinka magaalada Muqdihso meelaha ay iyagu gacanta ku hayaan gaar ahaan jidadka Wadnaha, 30ka iyo warshadaha.

Dhacdadan lama filaanka ah ilaa hadda dawladda ku meel gaadhka ahi kamay hadlin wax war ahna kamay soo saarin arintan oo si weyn looga dareemayay maalinkii shalay magaalada Muqdisho.

Arintana waxa ay ku soo beegantay xili ay dagaalo ba’ani ka soo cusboonaadeen magaalada Muqdisho.

Top


Gaadhi Laga Buuxiyay Waxyaabaha Qarxa Oo Lala Beegsaday
Fadhiisin Ay Ciidamada Itoobiya Ku Leeyihiin Muqdisho

Muqdisho, April 20, 2007 (Haatuf) – Gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu watay nin naftiisa huray ayaa lagu qarxiyay fadhiisin ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen xeradii taliskii hore ee ciidanka Asluubta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay inuu qaraxaasi sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan.

Wax yar kadib qaraxaas ayay kooxaha wax-iska-caabinta ee magaalada Muqdisho waxay la dhaceen goobta gaadhigaas lagu qarxiyay qoryaha hoobiyeyaasha loo yaqaan, kadibna waxay ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugnaa ay rasaas oodda kaga qaadeen xaafadihii ku dhowaa taliskii hore ee Asluubta ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas waxyeelo ka soo gaadhay dadkii rayidka ahaa ee xaafadahaas degaana.

Ilaa iyo hadda lama sheegin khasaaraha soo gaadhay ciidamada Itoobiyaanka ah ee deganaa xerada Asluubta, iyadoo la sheegay in gaadhiga goobta lala beegsaday inuu watay nin Soomaali ah oo naftii hure ah, kaas oo ku dhintay goobta uu isku-qarxiyay.
Qaraxan ayaa ahaa kii labaad ee maalintii shalay lala beegsado ciidamada Itoobiya ee dagaalku ku dhexmarayo magaalada Muqdisho kooxaha iska-caabinta, waxaanu qaraxa ka dhashay kadib markii gaadhi nooca uuraalka loo yaqaan oo ciidamo Itoobiyaan ah siday kana dhinaca magaalada Afgooye, ayaa miino kaga qaraxday xaruntii Jaamacadda Lafoole oo u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, kaas oo ay khasaare ka soo gaadhay ciidanka Itoobiya.

Dagaalada maalintii shalay ka soo cusboonaaday xaafado ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho, ayaa waxay wararku sheegayaan inay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 20 qof, halka boqol qof oo dhaawac ahna la keenay Cusbitaalada Madiina iyo Keysaney oo ku yaal magaalada Muqdisho, dagaaladaas oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha Iska-caabinta ayaa waxaa laysku adeegsaday madaafiic xoog badan oo ay ciidamada Itoobiyaanku ku garaacayeen meelo ka mid ah waqooyiga Muqdisho, halka kooxaha iska-caabinta madaafiicda hoobiyaha ay la dhaceeyeen fadhiisimada ciidamada Itoobiya iyo kuwa Mbagathi, iyadoo goobaha ay hoobiyeyaasha la dhaceen kooxaha iska caabintu ay ka mid yihiin xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, Wasaarada Gaashaandhigga iyo taliskii hore ee ciidanka Asluubta.

Madaafiicda shalay labada dhinac isweydaarsanayeen ayaa la sheegay in hal madfac oo ka mid ahi uu goob keliya ku dilay 8 qof oo rayid ah, madfacaas oo la rumaysan yahay inay ciidamada Itoobiyaanku ka soo rideen xarunta Madaxtooyada Villa Somalia waxaa la sheegay inuu ahaa nooca BM-ka la yidhaahdo.

Afhayeen u hadlay odayaasha beelaha Hawiye ee magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ku eedeeyay ciidamada Itoobiyaanka inay burburiyeen xabad-joojintii ay hore labada dhinac u kala saxeexdeen, isla markaana ay weerar ku soo qaadeen fadhiisimada ay ciidamada wax-iska-caabintu ay deganaayeen. Afhayeenkaasi wuxuu intaas ku daray in maadaama ay Itoobiyaanku heshiiskii ka baxeen ay maleeshiyada beelaha Hawiye waxa keliya ee la gudboon ay tahay inay is-difaacaan.

Dagaalkan shalay ka cusboonaaday Muqdisho, oo ahaa mid aad u culus ayaa socday ilaa xalay caweysinkii, hase yeeshee habeenkii xalay ayaa magaalada laga maqlayay rasaas goos-goos ah, lamana sheegin wax waan-waan ah oo lagu joojinayo dagaalkaas, iyadoo wararku sheegayaan inay ciidamada Itoobiya ku xidheen sii socodka wada-hadaladii odayaasha Hawiye iyo saraakiisha Itoobiya u dhexeeyay, taas oo ay ku xidheen inay wada-hadalada ka soo qayb-galaan saraakiisha hogaaminaysa kooxaha dagaalyahaniinta Muqdisho kula dagaalamaysa.

Maaha markii koowaad ee qofkii naftii-hure ahi isku qarxiyo goobaha ay ciidamada Itoobiya ka degan yihiin magaalada Muqdisho, waxaana dhacdadan shalay ka horeysay markii uu nin naftiisa biimeeyay uu gaadhi waxyaabaha qarxa uu ka soo buuxiyay isku qarxiyay fadhiisin ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen meesha la yidhaahdo Ceel-cirfiid oo ka mid ah waqooyiga Muqdisho.

Top


Geeridii macalin R.R. Darlington

The somali voice Cadiff Mudane R.R Darlinton oo ku Magac
dheeraa (Gacma Dheere ) wuxuu dhawaan ku geeriyooday
Dalka Wales Gaar Ahaan Tuulada La Yidhaa Aberdovey Oo
ku Toosan Waqooyi Galbeed Ee dalka

Wales, Dalington Waxa Uu Asalkiisu Ka Soo Jeeday Ingriis Wuxuna Mudo Aad u
Dheer ku sugnaa dalka Somaliland, Sababaha Keenay Somaliland Oo Ay Kamid Ahaayeen Geesinimo Ay Muujiyeen Askarta Somaliland Oo dhinac dagaalamaysay ciidanka ingriiska uuna hogaaminayaay Mudane Darlington kaas oo Ay La Galeen igriisku Dagaal Culus dalka (Barma) oo ku tala Qaarada Asia . ugu horayntiina waxa uu hadafkiisu
ahaa markuu somaliland yimi marxuunku Inuu horumariyo Waxna Baro Dhalintii Reer Somaliland Una Sida lasheegay ku Horeeyay ( Camuud) Wakhti Yar Kadibna Uu u Usoo wareejiyay Iskuulkii (Sheikh)Oo Wakhtigaa Aanay ka Dhisnayn Dugsiyada Sare,.Halkaasuuna Macalin ka Ahaa kana midha dhaliyay wax qabadkiisii,
Waxaa mudane Darlinton la Aasi Doono Maalinta Jimcaha,
Halkaasoo Ay ka Qayb Gali Doonaan Mudanayaal ka Socda Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan dalka wales Oo ay Wehelin doonaan shacabka reer somaliland cidii isxilqaanta
Uuna horkacaayo gudoomiyihii hore (SSE) Eid ali salaan Oo ka Mid Ahaa Ardaydii uu Waxbaray Marxuunku sidoo kalana caawin jiray ilaa intuu Eid dhamaystay heerkiisii jaamacadeed.Hase Ahaatee Wakhtigu iima Saamixin Inaan Eid Wax Kasii Waydiiyo Taariikh Nololeedka Marxuunka Oo Fidsan .

Balse Uu Carabka Ku Yara dhuftay In Dadbadan Oo Mudane Darlington Wax Soobaray Ay Maanta Joogaan Ayna Fiicantahay Xaqna uu Uugu Leeyahay in Qofkii awoodi Karaa Ka Qayb Qaato Macalinka aaskiisa , Waxa Madasha Lagu Aasayo macalinka Diyaar u Ah Wiil Uu Adeer U Yahay Macalinku. Sidoo kale Waad la xidhhidhi Kartaa Eid ali Oo Siduu Noo Sheegay ka Qayb Qaadan Doona. Waxaanaad kala xidhiidhaa Kartaa ciwaanka iyo numbarada hoos ku xusan. kalana soco wargayska thesomalivoice oo goob joog ka ah aaska macalinka. waxaana hubaala inaanu idiin soo tabino sida ay reer somaliland uga soo qayb galaan xabaasha


Wakhtiga :12.40pm jimcaha

Taariikhda: Jimcaha 20ka April 2007

Ciwaanka: at St. Peter's Church, Aberdovey, in west Wales


Mr. Gabriel: 01654 711091

Richard: 01787 227500

Eid : 07971531761

abdi: 07951347052

Top


Ayax Ku Habsaday Degmada Faraweyne Iyo Degaamo Kale
Oo Ka Tirsan Gobolka Hargeysa

Hargeysa, April 20, 2007 (Haatuf) – Ayax guuraya ayaa ku habsaday labo saddexdii maalmood ee u dambeeyey la sheegay in ku habsaday deegaanka degmada Fara-weyne iyo nawaaxigeeda.

Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Fara-weyne, ayaxan ayaa isagoo raabo raabo isu daba socda ku soo qul-qulaya deegaanka iyo tuulooyinka maamul ahaan hoos yimaada degmada Fara-Weyne, halkaas oo uu fara baas ku hayo Beeraha iyo daaqa xoolaha ee deegaankaasi. “Laba saddexdii maalmood ee u dambaysay waxa deegaanka degmada Fara-weyne iyo nawaaxigeeda ku habsaday ayax raabo raabo ah, kaas oo faro baas ku haya daaqii iyo dhirtii iyo beerihii deegaankaasi” sidaa waxa yidhi Cabdi Cali oo ka tirsan dadka ku nool degmada Faraweyne oo xalay Haatuf khadka telefoonka kula xidhiidhay, isaga oo jooga Faraweyne.

Waxaanu intaasi raaciyey in Ayaxani kaga yimid dhinaca Boorame, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. “Ayaxan waxa uu ka yimid jihada dhinaca gobolka Boorame, halkaas oo loo malaynayo in Ayaxani ka mid yahay mid dhawaan gobolkaasi Boorame lagu sheegay inuu isna ku habsaday”.

Hase yeeshee, mar Cabdi la weydiiyey Ayaxani ma u egyahay mid guuraya oo muddo ku sii hakanaya deegaankaasi waxa uu ku jawaabay “Ayaxani mid si fudud u guuraya maaha. Ayaxani mid deegaanka mar qudha wada yimid, balse waa mid marba marka ka dambaysa raabo raabo iskaga daba imanaya ilaa hadda wuu joogaa”.

Xawliga ayaxani u socod ayaa sida la sheegay cabsi weyn laga qabaa inuu ku baaho guud ahaan deegaanka gobolada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan, iyada oo isla shalay Ayaxani ku degay meelo kale oo ka tirsan gobolka Hargeysa, jiida deegaanka Haleeya, isaga uga gudbay dhinaca waqooyi galbeed ee magaalada Hargeysa.

Maaha markii ugu horeysay ee sannadkan gudihiisa muddo ka yar bil gudaheed Ayax lagu arko Somaliland hase yeeshee dabayaaqadii bishii March ayaa Ayax noocan oo kale ah oo ka yimid dhinaca xeebta lagu arkay deegaanka galbeed ee gobolka Awdal.
Ilaa hadda ma jiro wax hawlgalo ah oo ay xukuumadda Somaliland kaga hortagayso ayaxan oo ay ku dhaqaaqday.

Top


Guddidii Golaha Wakiiladu U Saaray Cabudhinta Saxaafadda
Oo Kulan La Yeeshay Taliyaha Ciidanka Bileyska

Hargeysa, April 20, 2007 (Haatuf) - Guddidii shirgudoonka golaha wakiiladu ay dabayaaqadii bishii hore ee March u saareen Cabudhinta saxaafadda iyo inay baadhis iyo dabagal ku soo sameeyaan qaabkii ay ciidanka boolisku u soo xidheen 2/January 2007 suxufiyiinta Haatuf iyo weerarkii ciidanka boolisku ku galeen xarunta wargeyska Haatuf ayaa sheegay inay kulan xogwaraysiya kula yeeshay taliyaha ciidanka booliska Maxamed Saqadhi Dubad xarunta golaha wakiilada.

Kulankan ay guddida baadhista xadhiga suxufiyiinta Haatuf ee golaha wakiiladu ay la yeesheen Taliyaha ciidanka booliska Maxmed Saqadhi Dubad oo ahaa kulan ay albaabadu u xidhnaayeen oo ku qabsoomay xarunta golaha wakiilada ayaa la sheegay in xubnaha gudidu ay taliyaha ciidanka booliska kulankaasi waxzx kaga weydiiyeen qaabkii ciidanka boolisku ku soo xidhay 2/January gudoomiyaha Haatuf Media Network Yusuf Cabdi Gaboobe, Tifaftiraha Haatuf Cali Cabdi Diini iyo wariyaha Haatuf ee gobolka Odal Maxamed Cumar Sheekh iyo talaabadii ay ciidanku ku galeen xarunta wargeyska Haatuf.

Ilo xogogaal ah ayaa noo sheegay in gudida golaha wakiiladu ay taliyaha ciidanka bilayska si adag ugala hadleen hab dhaqanada sharciga iyo distoorka qaranka baal marsan ee ciidanka bilaysku ay xadhiga muwaadiniinta u mareen iyadoo wax xalaalayn ama ogolaansho ah looga haysan maxkamaddaha, taas oo guddida golaha wakiiladu la sheegay inay taliyaha ciidanka u soo jeediyeen sidii sharciyada iyo qawaaniinta dadka loo ilaalinlahaa isla markaana looga fogaan lahaa talaabo kasta oo sharciyada baal marsan, isla markaana loo maro xadhiga mawaadinka sifo sharciya.

Top


Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Xukun Dil Iyo Xadhig
Isugu Jira Ku Ridday Xubnihii Falalka Argagixiso Ka Fuliyey Somaliland

Berbera, April 20, 2007 (Haatuf) – Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa doraad 18/04/2007 xukun kala duwan oo isugu jira dil, xabsi daa’im, iyo xadhig u dhaxeeya 12 ilaa 20 sannadood ku riday 25 qof oo loo heystay inay falal argagixiso ka fuliyeen Somaliland.

25-kan qof oo isugu jira kuwo ku xidhan xabsiga Berbera iyo qaar iyaga oo maqanba la xukumay, ayay maxkamadaha Rafcaanka iyo Gobolka Hargeysi ugu rideen xukuno kala duwan.

Xubnahan xukunadu doraad ku dhaceen waxay isugu jiraan qaar la soo qabtay 19/03/2004 iyo kuwo markii dambe baadhis lagu soo qabtay, iyo weliba qaar la qab-qabtay 23/09/2005, kuwaasi oo isugu jiray qaar laga soo qabtay guri ku yaala xaafadda New Hargeysa oo iska horimaad hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ku dhexmaray ciidanka bileyska, halka qaar kalena, isla habeenkaa iyaga oo guryahooda hurda laga soo qab-qabtay, iyada oo lagu xidhiidhinayo qolada bileyska dagaalku dhexmaray, iyada oo mid ka mid ahna subaxdii dambe laga soo qabtay meesha la yidhaahdo Abdaal oo u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Kooxahan oo lagu soo eedeeyey inay falal argagixiso oo shaqaalaha ajnebiga ah ee hay’adaha ka hawlgala Somaliland ku dileen iyo inay abaabulayeen weeraro ka dhan ah doorashadii golaha Wakiilada Somaliland ee sannadkii 2005, waxa ay maxkamadaha gobolka iyo rafcaanka Hargeysi waqtiyo kala duwan kala xukumeen, hase yeeshee maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa dhegeysiga eedaha loo haysto kooxdan hal mar u wada fadhiisatay.

Maxkamada amaankeeda ayaa aad loo adkeeyey dhageysiga dacwada ayaan loo ogolayn dadka iyo saxaafada, hase yeeshe Sida ay tibaaxayaan warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo xogagaala oo u dhuun daloola Maxkamada ayaa sheegaya inay Maxkamadu ku kala xukuntay 26 qof oo loo haystay inay falal argagixiso ka fuliyeen Somaliland iyadoo qaarna maqan yihiin qaarna ay joogan , xukun isugu jira dil iyo xabsi daa’in iyo xadhig u dhaxeeya 20 ilaa 12 sanadood.

Waxaanay Maxkamadu Dil toogasho ah ku xukuntay labada nin
1. jaamac Cabdi Ismaaciil [Kutiye]
2. Maxamed Cali Ciise
Sidoo kale waxay maxkamadu xabsi Daa’in ku xukuntay
1. Axmed Cali Samatar
2. Cali Muuse Maxamed
3. Daa’uud Saalax Iidle
4. Cali Maxamed Cawaale
5. Saalax Cabdalla Maxamed
Waxa kale oo ay Maxkamadu midkiiba Sideed iyo toban Sanadood ku xukuntay dadkan:-
1. Maxamed Cabdi Xaamud [Jacfar]
2. Yaxye C/raxmaan Cali
3. Maxamed Aadan Cismaan [Shirwac]
4. Maxamed Aadan
5. C/raxmaan Jibriil
6. Faarax Cadde
Waxaanay maxkadu ku xukuntay Ragan labaatan sanadood oo xadhiga:-
1. C/raxmaan Maxamed Jaamac [Indha-cadde]
2. C/raxmaan Cismaan Yuusuf
3. Ibaahim Jaamac Afgaan [Maqan]
4. Axmed Cabdi Godane [Maqane]
5. Maxamed Caydiid
6. Ibraahin dheere
7. Sahal
Maxkamadu waxay laba iyo toban sanadood oo xadhiga ku xuntay raga kala ah:
1. Axmed Cali Xuseen
2. C/laahi Maxamed Axmed [C/laahi Gaab]
3. Muuse Cali Yuusuf
4. Maxamed Ibraahim Axmed [laba Qumacle].
5. Maxamed Sh. Ismaaciil Xasan.
Ragani waxay hore anbiil iyo rafcaan uga qaateen laba xukun oo ay ku kala rideen Maxkamada rafcaanka iyo ta Gobolka Hargeysa, kuwaas oo ku xukumay xukun isugu jira dil toogasho ah xabsi daa’in iyo xadhig kala duwan.

Top


“Damaca siyaasiga ah ee aan leeyahay waa ka xisbigayga Kulmiye. Maalinta ay ii gadmayso damacayga siyaasiga ahi waan soo bandhigi doonaa"
Waraysi khaas ah oo Golisnews la yeelatay Muj. Maxamed Kaahin

Golisnews waxa ay waraysi khaas ah la yeelatay Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah saraakiishii SNM, haddana ah af-hayeenka xisbiga qaran ee Kulmiye ee Somaliland. Mujaahidku waxa uu safar ku marayaa waddamada Yurub qaarkood, waxaannuna waraysigan la yeelannay isaga oo jooga London, UK.

SUAAL: Maxamed Bal marka hore waxoogaa faahfaahin ah naga sii socodkaagan aad UK ku timid waxa uu ku saabsanaa iyo waxa kaaga qabsoomay?
JAWAAB: Ujeeddada ugu weyn ee socdaalkaygani waxay markii hore ahayd iyada oo aan martiqaad ka helay Ururka la yidhaahdo Somaliland Focus oo runtii qayb weyn ka ciyaara Horumarinta iyo Ictiraaf doonka Somaliland, gaar ahaan qaarada Yurub iyo weliba halkan oo ay ka jiraan UK. Waxay Somaliland Focus door weyn ka ciyaareen ku casuumidda dad badan oo ajnebi ah in ay goobjoogayaal ka ahaadaan doorashooyinkii ka dhacay Somaliland. Waxay kale ee la shaqeeyaan ciddii kasta ee inala shaqaysa ee Ictiraafka wax inagala qabata sida; Mudanayaal ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska iyo dad dawladda Ingiriiska meelo kala duwan kaga jira. Somaliland Focus iyo Parliamentary Groups-ka la shaqeeya Somaliland waxay si wada jir ah u wada qabteen shirar ay ka wada qayb galeen saddexda xisbi qaran ee Somaliland, kaas oo ka dhacay aqalka Baarlamaanka ee UK. Waxa shirarkaas lagaga tashaday sidii caalamka sannadkan loo gadhsiin lahaa farriinta Somaliland, gaar ahaan shirka Common Wealth ay yeelanayaan sanadkan. Waxaan la kulmay Maayaro kala duwan oo magaalooyin kala duwan ka shaqeeya iyo golayaashooda deegaanka sida Maayarka Tower hamlets oo ah xaafad ka mid ah London. Waxaan kale oo la kulmay maayarada Warrington iyo Liverpool. Intaba waxaannu kala hadalnay, ugana xog warrannay Xaaladda Somaliland ee maanta. Jaaliyadaha meelahaas aannu maraynayna waxaannu mar walba ku guubaabinayney in halkan ay degan yihiin ay wax ka qabsadaan, wadankoodiina horumarkiisa ka qayb qaataan, annaga oo mahadcelin u soo jeedinayney sida ay mar walba uga qayb qaataan dib u dhiska dalkooda, gaar ahaan xagga dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo weliba ilaha kale ee horumarineed. Sababaha aan u imid UK waxaa kale oo ka mid ahaa aniga oo ka soo qayb galay Shirkii caalamiga ahaa ee Kulmiye ku yeeshay Ingiriiska oo ay ka soo qayb galeen wufuud meelo kala duwan ka kala timid oo uu ku jirey Gudomiyaha Xisbiga iyo xubno kale oo ka mid ah Guddida Fulinta oo ay sidoo kale ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland. Shirkaas waxaa lagu milicsaday oo dib loogu eegay Barnaamijyada Xisbiga iyo siyaasaddiisa ku wajahan tayaynta iyo horumarinta maamulka iyo u diyaargarowga sidii xisbigu u hanan lahaa hoggaanka dalka haddii Alle idmo.

SUAAL: SIDAY KUULA MUUQDAAN COLAADAHA CUSUB EE KA DHEX ALOOSMAY SOMALILAND IYO PUNTLAND?
JAWAAB: Runtii arrinkani maaha colaaddii ugu horraysey ee dhex marta Somaliland iyo Puntland. Waxay tan oo kale dhacday 2003-dii iyo 2004-tii. Marka hore qaranka Somaliland falsafadaha uu ku soo caano maalay waxa ka mid ah taabbogelinta iyo ilaalinta nabadgelyada, haddii ay tahay deriskeenna iyo weliba innaga dhexdeenna.Somaliland qaran ahaan ma jiro waxyeello iyo dhibaato ay ku hayaan Puntland, wax faragelin ah oo Somaliland ay samaysayna ma jirto. Hase yeeshee, maamulka Puntland ilaa waqtigii Cabdullahi Yuusuf joogey iyaga ayaa mar walba ambaqaada oo bilaaba colaadihii meesha ka dhacay. Dhacdadan dhowaan Dhahar ka dhacday waxba kama duwana kuwaas hore ee gardarrada ku salaysnaa. Tusaale waxaaba kuugu filan mas’uul maalin dhoweyto u hadlayey Puntland oo ku celcelinayey in Soomaalida arrimeheedu qabiil ku salaysan yahay, aanay suuragalna ahayn in Somaliland dhulkaas la isku hayo xukunto. Waxaa u baahan in markaas laga jawaabo: Waar tolow maxaa Cabdullahi Xamar ka doonay haddii reernimo shaqaynayso? Hadallada noocaas ah iyo fekredaha ka danbeeyaa waa aragtiyo siyaasi ah oo sabool ah oo aan wax nuxur ah lahayn, waa aragti laga macnaysan karo haddii aynu nahay dadka Af-Soomaliga ku hadla midba midka uu ka xog weynaado ha laayo. Waxay tanni la mid tahay arrinkii lagu dabakhay dawladdii Maxamed Siyaad Barre ee Soomaalida badhna cadaabta u samaysatay, badhna Jannada, waa fekerkii qabiilka ee dawladdaas burburiyey, waana feker haddii uu soo noqdo colaad aan dhammaan ka abuuri kara dhulka Soomaalidu degto oo dhan Sida kuwa haddaba Xamar ka socda. Somaliland dulqaad badan bay ka samaysay arrinkan, haddase waxaa muuqata in samirkaasi soo dhammaaday. Hadallada qayrul masuulnimadu ku jirto ee la odhanayo Somaliland ma jirto ee uu ku cel-celiyo Cabdullahi Yuuusuf haddii sidiisa ay u fekerayaan madaxda Somaliland, Waxaan kuu sheegayaa in Colaaddu maanta ka socon lahayd Qardho iyo Boosaaso, isaguna meelahaas ayuu ku dhuumaalaysan lahaa, Somaliland-se in badan bay baadi doontay nabad ku wada noolaansho iyo derisnimo wanaag si ay horumarkeeda iyo kuwa Soomaalida kale u xaq dhawrto. Marnaba Somaliland ugama dulqaadan karto faragelin maamulka sheegta Puntland oo hadda ayba ku darsantay Ina Yey oo leh annaga ayaa xoog wax ku qabsanayna. Somaliland ahaan waxaannu ka damqanaynaa xanuunka iyo burbrurka dadka walaalaha ah, haddiise arrinku marayo sida muuqata waxaa khasab noqonaya in tallaabo la qaado.

SUAAL: SIDEE U ARAGTAA XAALADDA GUUD EE SOMALILAND MAANTA KU SUGAN TAHAY?
JAWAAB: Horta wax badan oo xaaladda Somaliland ku soo kordhay dhawaanahan ma jiraan. Tadawur iyo marxaladahii ay soo martay waynu ka wada dheregsannahay. Waxay markii hore ku dhaqaaqday walaalayn iyo nabadayn beelihii walaalaha ahaa ee taliskii Siyaad Barre colaadda kala dhex dhigay. Haddana waxaabay maraysaa nabadgelyo hab nololeed qaangaadhey oo la odhan karo xitaa waxyaabaha nabadgelyo xumada ah ee ka dhaca caasimadaha waaweyn ee dunidu kama dhacaan Somaliland. Habeen walba dil baa ka dhaca London, Somaliland xaggaa wayba kaga horaysaa. Waxaa muhiim ah in xirfadda Booliska iyo hay’adaha kale la horumariyo. Waxaad mooddaa dhinaca kale in shicibkii iyo dawladdii kala dheeraynayaan xaggii horumarinta iyo wax qabsiga. Waxaad mooddaa in xukuumaddu ay gaabinayso oo dadka shicibka ahi kaga horreeyo dib u dhiska iyo wax qabsiga. Bulshada rayidka ah iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay ayaa xawli ku socda. Dadku Biriijyadii in ay dhistaan oo Mishiinno beeraha u waraabiya la soo degaan ayay marayaan. Dhaqaale ahaan kolley mushaharka shaqaalaha waxaa bixiya dawladda oo awood ayaynu u yeelannay taas iyada oo dawlado innaga horreeyey laga kabo mushaharka shaqaalahooda. Haddaba halkan hore ma looga socon karaa? Anigu shaqsiyan waxaan qabaa in aad iyo aad hore looga sii socon lahaa. Waxaa dhaqaaleheenna ragaadiyey maamul xumo iyo musuqmaasuq curyaamiyey dhaqaaleheenna, waana cudur aad u halis ah oo ku dhex jira maamulka xukuumadda. Hantida qaranka ayaa badh ku dhacaa gacanta mas’uuliyiinta dawladda. Miisaaniyadda qaranka ee la soo bandhigaa waxaa cadaatay oo Golaha wakiilladu soo baadheen, caddeeyeenna in Nus ka mid ah Miisaaniyadda dawladdu ku dhacdo jeebabka Madaxweynaha iyo wasiirradiisa. Waxaa wax laga weydiiyey arrimahaas Madaxweyne Riyaale uu sheegay in aan waxbaba la haynin ee maxaa la musuqmaasuqaa? Arrinkaasi mid daacadda iyo masuuliyadda ka fog weeye. Tusaale ahaan waxaa ku jitra Miisaaniyadda qaranka, Waxay dekedda Berberi ku caawisaa Qaranka 300,000 oo doolar. Waxaad is weydiin kartaa, tolow dekeddan ina caawinaysa yaa leh? Waxaad is weydiin kartaa maxaa dekedda Berbera oo la og yahay inta ay le’eg tahay iyo halka ay ku taallo sannadkii Somaliland uga manaafacaadsatay 300,000, Boosaasona u soo saartay 50 Milyan oo doolar sannadkii? Maxaa keenay in aan loo iibin karin laba wiish oo si fiican wax uga roga dekedda Berbera? Siyaasadda dhaqaalaha ee Ina Riyaale maaha mid la socon karta dunida casriga ah iyo baahiyaha jira. Anigu beri horena waan ka hadlay lacagta dekedda waxaa jeebka ku shubta dad gaar ah oo uu Madaxweyne Riyaale ugu horreeyo. Waxaan maqlaa inuu yidhaahdo anigu sidan baan meesha ugu imid. Haddaba Musuqmaasuqu shalayna xaaraan buu ahaa maantana waa xaaraan. Haddii aynu ictiraaf doonaynana waa in aynu soo bandhignaa hab maamul nadiif ah oo cad oo xalaal ah. Adduunyada oo dhan baa ka dagaalamaysa Musuqmaasuqa. Waxyaabaha dabraya Somaliland waxaa ka mid ah hab dhaqankaas aan meelna kaga jirin nidaamka dawliga ah ee la xalaalaystay. Waxaa la odhan karaa Riyaale debedda ayuu ka yahay geedi socodkii dimuqraadiyadda ee aynu ku soo caano maallay. Dhinaca caddaaladda haddii aad eegto waxaa xabsiga Mandheera lagu kashifay oo qol madow lagu xukumay suxufiyiin oo waa la og yahay. Markaa waxaan filayaa in shacabka Somaliland iyo xukuumaddiisu maanta is barteen.

SUAAL: Waxaa jira is maan dhaaf siyaasadeed oo ka aloosan doorashada komishanka, adigu arrintaas sidee u aragtaa?
JAWAAB: Arrinkan Commission-ka horta iyo carqaladdan taagani waa arrin abuuritaankeeda uu toos mas’uul uga yahay Madaxweyne Daahir Riyaale. Waxa uu baal maray Riyaale habkii wadatashiga ee uu ku samaysmi lahaa Commission-ka doorashooyinku. Riyaale waxa uu sidiisaba madax ka yahay hay’adda fulinta ee Somaliland, Komishinkase madax kama aha. Komishinku waa hay’adda garsoorta asxaabta siyaasiga ah xilliga lagu jiro doorashooyinka, isla markaana ay ka shaqayso diyaar garaysona doorashooyinka soo socda xilliga aan doorasho lagu jirin. Waana wax la mid ah Golayaasha kale ee Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu ka mid yahay laamaha ay khusayso Komishinku, madaxse uma ah. Waxa uu madax u yahay xisbi ka mid ah xisbiyada tartamaya, waana Guddoomiyaha Xisbiga UDUB sida ay asxaabta kalena u leeyihiin guddoomiyayaashooda. Riyaale waxa uu carqalad toos ah ku noqday habkii loo mari lahaa samaynta Komishinta. Waxa caalamku si toos inoo gala xidhiidhaa waqtigan oo aan la ina aqoonsanayn waa laba meelood; Waa Komishinka doorashooyinka iyo warbaahinta madaxa bannaan, labadaba maanta carqalad ayuu ku yahay Ina Riyaale. Dareemada hadda jira waxaa ka mid ah inuu la haysto meelihii uu lahaa sacabka ayaan u tumayaa ee warbaahinta caalamka oo dhami sheegaysey, isaga yaana mas’uul ka ah is maan dhaafkan hadda taagan. Isagoo ixtiraakiisa Madaxweynuhu leh, waa in arrinka dhulka la dhigo oo la sameeyo Komishin iyo Garsoor madax bannaan oo loo sameeyey si xisbiyadu u siman yihiin. Waxaa noo furan in aannu nidhaahno xubinta Kumishinka ee kalena adigu qaado, ka dibna aannu doorashada u galno si aan calool samayn, taas Somaliland dani uguma jirto. Waxaa haddaba muhiim ah in la fahmo in aannaan aqbali doonin Komishin aannu marti ku nahay sida aanay xaqba u ahayn in xisbiyada kaleba ku noqdaan. Gacan maroorsi cidna dani uguma jirto, mana soconayso, haddii hore loogu bartay in doorashooyinka wax la is daba mariyo maanta taasi waa dhammaatay.

SIDEE U ARAGTAA XAALADAHA CAKIRAN IYO DAGAALDA KA SOCDA KOONFURTA SOOMAALIYA?
JAWAAB: Soomaaliya dawladdii hore ee burburtay ayaa keentay waxa maanta taagan. Hoggaankii hore ayaa jebiyey oo baabi’iyey Soomaali oo ku dhaqmi jirtey lafa geri iyaga ayaa la isku jebiyaa iyo qaybi oo xukun. Haddaba waxa ka taagan Koonfurta Soomaaliya waa wax dunida soo maray meel walbana ka dhacday, waxaase haboon in la fahmo in burburkan iminka soconaya waxaa si toos ah uga masuul ah Cadullaahi Yuusuf. Waa nin qabiili ah oo aan lahayn aragti Siyaasadeed. Waa nin aan lahayn dulqaad, waana dad cun dilka iyo dhiigga ku nool. Waa nin aanay deeqin samaha iyo wanaaggu. Mar haddii ta laga duulayaa tahay aniga iyo qabiilkayga ayaa gun ka dhigayna qabiilka Xamar deggan, ma aha mid xal laga gaadhi karo oo faa’iido ka soo socoto. Waa in caalamku fahmaa halka sartu ka qudhuntay oo Cabdillahi Yuusuf marka hore meesha laga saaraa, ka dibna miis iyo gogol loo siman yahay lagu wada xaajoodaa oo wadahadal iyo dib u heshiisiin run ah laga shaqeeyo. Waa in Cabdillahi Yuusuf arrinaha Soomaalida ka baxo haddii nabad laga hadlayo, waana in faragelinta shisheeye meesha ka baxdo, waana in dhaqanka Soomaalida oo ay ugu horrayso caqiidada islaamku lagu wada xaajoodaa. Arrinka wax sii hurinaya hadda waxaa ka mid ah waddamada deriska ah oo ka fog xaqaa’iqa ka taagan Soomaliya oo waddo khalad ah haysta.

SUAAL: Hunguri Siyaasadeed oo intee le’eg ayaa Maxamed ahaan kugu jira, goorma ayaadse soo bandhigi doontaa?
JAWAAB Anigu hunguri siyaasi ah waan leeyahay oo siyaasadda waaban ku jiraa. Damaca siyaasiga ah ee aan leeyahay waa ka xisbigayga Kulmiye. Maalinta ay ii gadmayso damacayga siyaasiga ahi waan soo bandhigi doonaa.

SUAAL: Maxaad u soo jeedin lahayd qurba joogga Somaliland, gaar ahaan reer UK?
JAWAAB Waxaan qurbajoogga Somaliland u soo jeedin lahaa in ay meesha ay joogaana wax ka qabsadaan waddankoodana ay u dadaalaan. Waxaan odhan lahaa intiinna ku nool dhul shisheeye oo lagaga dhaqmo diin kale iyo dhaqamo kale in ay ku dadaalaan adkaynta dhaqankooda oo ay ubadkooda ku dadaalaan in ay ka samata bixiyaan dhibaatooyinka ku soo fool yeelan kara. Waa in qurba joogga Somaliland ilaaliyo isku xidhnaantooda bulsho ahaan oo ay ku daydaan bulshooyinka kale ee Muslimka ah ee horumarka la taaban karo ka sameeyey waddamada ay ku nool yihiin. Waxaan kale oo leeyahay ha ku dadaaleen in ay waddanka soo booqdaan waqtiyada fasaxyada ah. Kulmiye waxa uu leeyahay siyaasad cad oo uga degsan qurbajoogga, waannuna dhaqan gelin doonnaa maalinta aannu waddanka xukunkiisa qabanno.
Tafatirka Guud ee Golisnews
Abokor I Xasan
London UK

Top


Allaybaday: Roobab Khasaare Gaadhsiiyay In Ka badan 70
Haro Biyood, Bustaano Kalena Baabi’iyay

Allay-baday April 20, 2007 (Haatuf) - Roobab waawayn oo maalmihii ina dhaafay ka da'ayay Gobolka Hargeysa ayaa khasaare balaadhan gaadhsiiyay Degmada Allaybaday oo ka tirsan gobolka Hargeysa.

Sida ay sheegeen warar laga helay magaalada Allaybaday oo ku taala xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa sheegay inay roobabku khasaare u geysteen beero badan, isla markaana baabi’iyeen ilaa 70 harro biyood oo lagu waraabin jiray beeraha khudaarta kala duwan ee degmadaasi.

Roobabkani waxa kale oo ay qaadeen beero badan oo khudaar ah, kuwaasi oo ay sannadihii la soo dhaafay degmada Allaybaday ee gobolka Hargeysa caan ku noqotay.
Beeraha ay daadadku qaadeen ayaa lagu beeri jiray khudaarta noocyadeeda kala duwan sida Kaabashka, Tamaadhada, Saladhka iyo Basasha.

Sidoo kale, daadadkani waxa ay qaadeen qaybo ka mid ah guryaha magaalada, gaar ahaan inta xagga togga u xigta, waxaana alaabadii taalay laga daad-gureeyey bakhaaro badan, iyada oo laga cabsi qabo inay daadadku qaadaan.

Duqa degmada Allaybaday Mr Xassan Cabdi Cali (Shahar) ayaa ugu baaqay Hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa wadaniga ahba inay gacan ka gaystaan khasaaraha ay roobabku u gaysteen Harihii iyo bustaanadii degmada Allaybaday.

Top


Aayihii Dalkow Uuraysatee Yaa Kaa Umulin?
By Ugaas Barde

Somaliland muddo lix iyo toban sannadood ah ayay soo kacaa-kufaysay oo ay soo gaadhay heerka ay maanta taagan tahay. waxay halkaas kaga soo gudubtay duruufo kala duwan oo Eebbe inaga badbaadiyay iyo nabadgelyo shacbiga ka timi oo ay kaabayso hiddo iyo dhaqan inoo gaara oo soo jireen ah, oo aan la inala wadaagin iyo wada-tashi wadareed iyo isu-tanaasul loo dhan yahay.

Haddaba muddooyinkan dambe waxa soo shaac baxay mawaadiic farabadan oo caado inoo noqotay ina jahawareeriyay oo kii walbana muddo toban maalmood ahba la qaadaa dhigayo dadkuna ku mashquulayo loona gudbayo marba mid hor leh, iyada oo aan kii hore la xaliyin. Arrimahaas oo shacbiga lagu beerlaxawsanayo laguna kala qaybinayo, dadkana ku abuurtay aragtiyo kala duwan. Tusaale ahaan, waxa ka mid ah:

1. Dastuurka dalka u yaal ayaa laga webinayaa, kaas oo uu ka dhasho muran weyn iyo doodo kululi ku dhex maraan golayaasha qaranka, axsaabta siyaasiga ah iyo shacbigaba, oo wada saameeyay dhammaan, loona arko inuu yahay mid aan madax iyo minjo kala lahayn, una muuqda dabar haddii aan xal laga gaadhin aan tallaabo la qaadi karin.

2. Kooxo bulshada ka mid ahina waxa ay ku naaloonayaan sidii ictiraaf loo heli lahaa, kaas oo hadalhayntiisu badan tahay, sanqadhiisana ay maqlayaan, meel ay u raad-raacaan iyo gees ay ka jirtana aanay garanayn.

3. Kooxo kale, waxa ay u habeen tirinayaan wakhtiga la qabanayo doorashadii dawladaha hoose iyo tii Madaxweyne-nimada, taas oo ay axsaabta mucaaridka ahi walaac weyn ka muujinayaan sida ay doorasho u qabsoomayso, maadaama aan ilaa hadda aan lagu heshiin xubnihii Komishanka ee qabanqaabin lahaa doorashada.

4. Waxa kale oo jira, kooxo aad isugu taxaluujinaya sidii ay u furan lahaayeen ururo siyaasadeed si ay uga qayb-galaan doorashooyinka soo socda, kuna andacoonaya inaan dalku u xidhnayn saddexda xisbi oo keliya ee uu u furan yahay dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland, hase ahaatee lama hayo qodob sharci ah oo u diidaya iyo mid u ogolaanaya midkoodna.

5. Waxa kale oo jira, kooxo adhilayaal ah oo ku andacoonaya in adhigii loo xidhay nin qudha oo carab ah oo qiimaha uu ku qaadanayaa neefkii uu aad uga hooseeyo ka uu maanta Sayladda ka joogo, kuwaas oo doonaya in loo ogolaado suuq xor ah oo lagu tartamo.

6. Waxa kale oo muran ka taagan yahay golihii shacbiga iyo xukuumaddii oo Miisaaniyadii 2007 isu mari la’ oo aan la ogeyn dhinac ay u dhici doonto.
Haddaba iyada oo arrimahaa aynu soo sheegnay oo culays weyn inagu hayay aan wax xal ah laga gaadhin ayaa waxa soo kordhay tii u weynayd oo ah: In xuduudda la soo taabto, taas oo in badan laga dhur-sugayay, laguna taamayay ayaa laga hawl-galay.
Haddaba, waxa ka dhashay buuq iyo jaha-wareer saameeyay dhammaan dalka, aragtiyo kala fogna laga qabo.

Dadka qaar waxa ay leeyihiin haddii aynu dagaal galayno maxaa ku kelifay wasiirka Warfaafinta inuu sheego sirta ciidanka oo uu yidhaahdo 5 tikniko ah oo hore xaga hore ayay noo joogaan 21 tikniko ah oo kalena waa ka daba dirnay, miyaanay u muuqan nin sirtii ciidanka u sheegay cadowga inaga soo horjeeda. Ninkaa sharci ma qabanayaa?
Ta labaad waxa weeye wasiirka Gaashaangdhigu wuxuu ku guulaystay inuu xadka soo taabto kuna tukado laba rakcadood oo salaatul-shukri ah oo aanu aad ugu faraxnay, waxa noo xigtay Madaxweynaha oo wasiirkii xilkii ka xayuubiyay eedayn weyn oo dhabar-jebin qaranna ku tilmaamay wasiirkii.

Waxa kale oo isweydiin leh, wasiirku waa siyaasi ee maxaa ku kelifay inuu ciidanka hogaamiyo, xaguuse jiray Jeneraalkii dagaalka hogaamin lahaa?
Fekrad ahaan waxa haboonay in uu Madaxweynuhu u yeedho wasiirka oo haddii uu wax dambi ah leeyahay ku qaado, ee ma ahayn in la baahiyo arrinka isaga oo wasiirku halkaa ku sugan yahay.

Waxa iyana aad u layaab ah inuu wasiirku ciidanka dib uga soo celiyo goobtii uu ku sugnaa ee xadka, jawaabta iyo qancintuba wasiirkay u taalaa, isaga oo ilaa hadda ka gaabsaday siday wax u dhaceen.

Haddaba, arrinkaa waxba kalama socono laakiin waxaanu leenahay “War jiraaba cakaaruu iman”.

Marka arrimahaas oo kale ummad la soo gudboonaadaan laba arrin ayaa lagu badbaadaa:

1) Xukuumadda dalka oo arrimahaa xal u raadisa, gacanna lagu siiyo maadaama dawladdu arrimo badan xog-ogaal u tahay oo xil weyn ka saaran yahay, waxana la yidhaahdaa “Dawlo indho qudhaanjay leedahay” meel dheer oo aan inoo muuqan ayay wax ka aragtaa ee yaan la degdegin.
2) Haddii taas la waayo, waxa inaga saari kara marxaladdan keligii taliye wadani ah oo ay ka xaaraansan yihiin dhaqasho, dhereg iyo dhalasho oo dhebiga inoo qora.
Haddaba ugu dambayntii anigu ma ihi muxaafid iyo mucaarid midkoodna, horumarkaan jecelahay, dib-u-dhacana waan nebcahay, aragtidaydana ninna kuma raali-gelinayo, cidna uma habrado, ninkii dhibaato u arkowna raali ahow, laakiin runtu fanto ma aha.
Ugaas Barde, Hargeysa, Somaliland

Top