Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1452 Jun.26, 2007

26-Ka June: Markii Ugu Horeysay Ee Somaliland Laga
Taago Calanka Xoriyadda

Badhasaabka Awdal Oo Markii U Horreysay Koob Gudoonsiiyey
Koox Kubadda Cagta Ah Oo Boorama Ku Guuleysatay Tartan Ciyaareed

Wafdigii Madaxweyne Rayaale Oo Maanta Fagaaraha 26 June Kala Hadli Doona Dadweynaha Reer Berbera

Cismaan Caato Oo Laga Horjoogsaday Inuu Ka Dhoofo Madaarka Baydhabo

Bandooga Muqdisho Oo Sii Kordhiyey Weeraradda Lagu Hayo Ciidamada Huwanta

“Nin Aan Muwaadin Ahayn Baa Dalkii U Xaniban Yahay,
Waxaanad Moodaa Inuu Dhaqaalaha Curyaaminayo Hoggaanka Sare”

Axmed Siillaanyo Oo Munaasibadda 26 June Awgeed Hambalyo U Diray Dadweynaha Somaliland

Dad Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Dab Qabsaday Dhisme Ku Yaala Magaalada Jeddah

Hogaamiyayaasha Itoobiya Iyo Uganda Oo Ka Wada Hadlaya Arrimaha Somalia

Dawladda Mbagathi Oo Ku Amartay Shirkadaha Isgaadhsiinta Inay Bil Gudaheed Isku Diiwaan Geliyaan

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Gef Garsoore Sharciga Ka Galaa Guul Ma Gaadhsiin Karaa Dhinaca Uu Dartood U Galay?

Ethiopian Airlines Waxay Iftiimisay Khatar Qarsoonayd
Oo Haboon In Lagu Baraarugo Si Loo Adkeeyo Amaanka Gaadiidka Cirka

Qisadii Huryada Iyo Tii Waraabaha
Maxamed Yuusuf (Keyse)

Rayaale Haddii Aanu Dhakhtar Ii Dirin Ugu Ridi Mayno UDUB Doorasho Dambe


26-Ka June: Markii Ugu Horeysay Ee Somaliland Laga Taago Calanka Xoriyadda

Hargeysa June 26, 2007 (Haatuf) – Maanta oo bisha June tahay 26 waxay ku beegantahay Sannad-guurada 47-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland madax bannaanideeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska oo ka talinaysey muddo 80 sanadood ka badan.
Inkasta oo ay tahay maalintii ugu horaysay ee Somaliland laga taagay calanka xoriyadda, isla markaana ahayd maalintii ugu horaysay ee calan Soomaaliyi leedahay la taago, haddana dadka Somaliland waxay ugu suntan tahay maalintani maalintii ay Guushii Xorriyaddu Ambatay, haddaba si aynu wax uga ogaano sababtii ay taasi ku timid aynu taariikhda dib u eegno.

1884-kii Shir ay Baarliin ku yeesheen gumeystayaashii Reer Yurub ayaa waxay ugu qori-tuurteen Qaaradda Afrika oo lagu naanaysay “Qaaraddii Madoobeyd”, balse ahayd meel dihin. Gumaystayaashaas oo ay hormuud ka ahaayeen; Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga, Boortaqiiska iyo Isbaanishku waxay u beratemayeen dano iyo ujeeddooyin dhaqaale, siyaasadeed, istiraatijiyadeed iyo diimeed. Wakhtigaas, Somaliland oo lahayd Ilbaxnimo iyo xadaarad la rumaysan yahay inay ka dhaxashay dowladdii Islaamka ee Cusmaaniyiinta iyo xidhiidhkii ganacsi ee faraaciyiintii Reer Masar ku iman jireen cidhifka geeska Afrika ee ay Somaliland ku taallo, waxa qoriga saamigu ugu dhacay Boqortooyadii Ingiriiska oo lagu magacaabi jirey “Boqortooyada aan Calankeeda Qorraxdu ka dhicin” taas oo loola jeedo dunida gees ilaa gees in ay isku ballaadhisay.

Waxa taariikhdu qortay in dadka reer Somaliland ay hangool farraaro leh iskaga qabteen Gumaystaha Ingiriiska markii uu geyiga soo galay, shuruudo iyo cahdina lala saxeexday.
Iska caabbintaasi la kawsaday soo gelintaankii gumaystuhu waxa ay ahayd mid aan marna damin marxalad kasta oo uu soo istaageyba ilaa uu jaanta isla helay halgan af iyo addinba leh oo lagaga soo horjeedo gumaystaha. 1950-neeyadii ayaa Afrika oo dhan uu ka bilaabmay dhaqdhaqaaq gobanimo doon ah oo ay horkacayeen jiilkii waxbartay ee Afrika u kacaamay waqtigaas. Somaliland sida dalalkii Afrikaanka waxaa ka abuurmay ururro gobanimo doon oo ay ugu door roonaayeen SNL, NUF iyo USP. Kuwaasi oo la jaanqaaday ololihii xornimo u dirirka ahaa ee socday.

Si kastaba ha ahaatee, 26-kii June 1960-kii ayaa Boqortooyadii Ingiriisku Somaliland siisay xornimadeeda, calankii ugu horreeyey ee Soomaaliyi yeelatona laga taagey Hargeysa, iyada oo Djibouti ay weli baaqi ku ahayd gacanta Faransiiska oo gumeysan jirey, Soomaalida koonfureedna waxa Talyaaniga kala wareegey Qaramada Midoobey oo toban sannadood oo xornimo-gaadhsiin ah gacanta ku hayey. Somaliland waxay xornimadeeda Ingiriisku hibeeyey 1958-kii markii Ergo Odayaal reer Somaliland ah oo tegey London ay Ingiriiska kula garnaqsadeen dhulkii Hawd iyo Reserve Area la odhan jirey oo uu ku wareejiyey Boqortooyadii Xayle-salaase ee Itoobiya, taas oo xad-gudub ku ahayd axdigii Somaliland iyo Ingiriiska u yaaley.

Ra’iisal-wasaarihii ugu horeeyeyna wuxuu noqday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ahaa aabihii xoriyada Hase yeeshee, Somaliland kuma sii waarin xorriyaddaas. Afar maalmood oo keli ah markii ay madax bannaanayd ayay ku biirtay Soomaaliya waxaana 1-dii July lagu kulmiyey Muqdisho munaasibadda madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaana ay ku sifowdey Somaliland sidii uu ku sifeeyey wargeys ka soo baxay London 31-kii June oo ciwaan far-waaweyn ah ku qoray “MAXMIYADDII XORRIYADDA DIIDDEY”. Waxa xorriyaddaas lagu tuuray god-madow oo qaatay soddon sannadood in lagaga soo saaro.

Markii ay dadka Somaliland dareemeen in xornimadii ay qaateen ay ambatay ayay bilaabeen halgan ay dib ugula soo noqonayaan gobanimadoodii, halgankaas oo ahaa mid hubaysan waxaa horseed ka ahaa ururkii S.N.M. oo la aasaasay 1981kii, kaas oo socday muddo 10 sannadood ka badan, aakhirkiina waxa uu keenay in ay Somaliland dib ula soo noqoto gobanimadeedii ka ambatay 18-kii May 1991kii kadib markiii ay shir isugu yimaadeen beelaha Somaliland magaalada Burco, halkaas lagaga dhawaaqay gooni-isu-taaga Somaliland.

Top


Badhasaabka Awdal Oo Markii U Horreysay Koob Gudoonsiiyey
Koox Kubadda Cagta Ah Oo Boorama Ku Guuleysatay Tartan Ciyaareed

Boorama, June 26, 2007 (Haatuf) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. Cabdillaahi Cige ayaa shalay koob guddoonsiiyey mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee Boorama oo ku guulesatay ciyaar kama dambays ahayd oo toddobaadkii hore ka dhacday magaalada.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, munaasabad shalay lagu qabtay Huteel Rays, isla markaana ay ka soo qaybgaleen madax ka tirsan shirkadda Isgaadhsiinta Telesom, qaar ka tirsan ciyaartoyda kooxaha kubadda cagta ee Boorama ka jira iyo martisharaf kale, ayaa guddoomiyaha Gobolku koob ku guddoonsiiyey koox ka tirsan kooxaha kubadda cagta oo magac la wadaagta mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta ee ka jira dalka Talyaaniga oo la yidhaahdo Napoli, taas oo 2-1 kaga guuleysatay koox kale oo iyaduna wadata magaca koox kale oo ka tirsan dalka Talyaaniga oao la yidhaahdo Forentina ciyaar kama dambays ahayd oo dhexmartay labadaa kooxood toddobaadkii hore.

Guddoomiyaha Gobolka oo la hadlay martida iyo ciyaartoyda xafladda isugu timi ayaa uga mahadceliyey abaabulayaashii ciyaartan iyo ciyaartoyda lafteedbaba sidii nabadgelyada lahayd ee ay ugu kala adkaadeen ciyaartaasi, waxana uu u soo jeediyey maamulayaasha kooxaha iyo ciyaartoyda kaleba inay ku daydaan kooxaha doorkan ku loolamay koobkan.
Guddoomiyaha gobolku waxa kale oo uu mahadceliyey shirkadda Telesom ee isu taxalujisay in tartankani ku dhammaado si nabadgelyo ah.

Sidoo kale, madax ka tirsan shirkadda Telesom oo munaasabaddan ka hadashay ayaa iyaguna sheegay sidii ay ugu guuleysteen inay isu keenaan ciyaartoy iyo ciyaaro ka nadiif ah rabshado, taas oo ah markii ugu horreysay ee ay Boorama ka dhacaan ciyaaro ku dhammaada sidan oo kale.

Shirkadda TELESOM oo beryahanba ka muuqata saaxadda tartannada ee ka dhaca garoomada iyo dugsiyada ayaan la ogeyn sababta ay aan awal loogu arki jirin goobahan oo kale iska daa dhiirrigelin ay dhiirri geliso eh.

Tartankan ciyaaraha kubadda cagta, ayaa intii uu socday dad badan oo reer Boorama ahi wadnaha farta ku hayeen iyagoo ka cabsi qabay in sidii caadada u ahayd ciyaartoyda kubadda Cagta ee Boorama ay aakhirataanka iska hor iman doonaan, isla markaana nabadgelyada magaalada khatar gelin doonaan, balse arrintaasi may dhicin, inkastoo tartankan dhammaaday laftiisa aanay ka madhnayn rabshado kaddib markii taageerayaasha labadaa kooxood ay suuqyada isbaacsadeen laba habeen ka hor, balse rabshadahaasi ma keenin wax khasaare ah sidii awal hore dhici jirtay.

Top


Wafdigii Madaxweyne Rayaale Oo Maanta Fagaaraha 26 June Kala Hadli Doona Dadweynaha Reer Berbera

Berbera, June 26, 2007 (Haatuf) – Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ku sugan magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, kadib markay halkaaas safar ku tageen Maalintii shalay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan Dheere, Madaxweynaha oo ay safarkiisa Berbera ku weheliyaan raxan ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey maalintii shaley magaalada Berbera, taas oo ay masuuliyiinta heer gobol, degmo iyo madaxda kale ee laamaha dawladda oo ay weheliyaan gaadiid ay saarnaayeen dadweyne tiro badan oo isugu jirey shaqaalaha laamaha dawladda ee magaalada Berbera iyo qaybaha kale ee bulshadu, kuwaas oo si goos goos ah badankoodu boodhadh soo dhaweyn ah la taagnaayeen hareeraha wadada inta u dhaxeysa kaantaroolka galbeed ee Berbera ilaa iyo halka uu ka baydho jidka taga guriga madaxtooyada loo yaqaan ee magaalada Berbera.

Sidoo kale ayaa soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa looga diyaar garoobay tuulooyinka ku yaal jidka isku xidha magalada Berbera iyo xarunta dalka ee Hargeysa taas oo bulshada ku dhaqan magaalooyinkaasi ay caleemo qoyan ku salaamayeen madaxweynaha iyo weftigiisa halkaas oo weftiga madaxweynuhu meelo ka mid ah degaamooyinkaasi ku hakadeen isla markaasna uu salaan ugu degay madaxweynuhu magaalada Sheekh Abdaal oo ka tirsan degmada Mandheera ee Gobolka Saaxil.
Madxweynaha iyo weftigiisa oo soo gaadhey magaalada Berbera salaadkii duhur ee shalay ayaa waxa ay ku degeen guriga madaxtooyada ee magaalada Berbera halkaas oo ay ilaa hadda ku sugan yihiin madaxweynaha iyo badi xubnihii weftigiisu.

Ma jiraan wax war ah oo ay madaxweynaha iyo weftigiisu siiyeen suxufiyiintii halkaasi kula kulantey hase yeeshee madaxweynaha oo lagu wadey inuu maalintii shalay dhagaxdhigi doono dhismaha wershed sibidh oo cusub oo ay duleedka wershadii hore ee sibidhka ka bineyn doonto shirkad Jarmal ah oo ay hore xukuumaddu heshiis ugula gashey maalgashiga mashaariic ay wershadaasi ka mid tahay ayaaney hawshaasi dhagaxdhigu dhicin maalintii shaley balse xubno ka socday shirkada Jarmalka ah ee xukuumaddu sheegtay inay hirgelin doonto dhismaha wershada cusub ee sibidhka ayaa gelinkii danbe ee shalay ay koox wasiio ah oo uu ka mid yahay wasiirka wershadaha Somaliland, Maxamed Saleebaan Weyne ay geeyeen goobta laga dhisi doono wershadan cusub ee sibidhka oo duleedka koonfureed kaga beegan wershadii hore ee sibidhka Berbera, taas oo uu madaxweynuhu dhagaxa ugu horeeya gelinka hore maanta dhigi doono.

Inkastoo aanay jirin wax wara oo sheegaya in ujeedada safarka madaxweynuhu ku kooban tahay dhagaxdhigga dhismaha wershada sibidhka, haddana dadweynaha reer Berbera ayaa u arka safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa inaanu waxba ka bedelayn nidaamka maamulka fadhiidka ah ee Berbera oo in badan cabashooyin dhinaca waxqabadka ay ka muujiyeen dadka reer Berbera, hase yeeshee Xukuumadda Rayaale aanay marnaba dhegta u dhigin cabashada dadka, iyadoo dadka reer Berbera qaarkoodna u arkaan in safarkan Madaxweyne ee Berbera iyo dhagax-dhigga wershadan la sheegayo ay hordhac u yihiin ololaha siyaasadeed ee doorashooyinka foodda inagu soo haya, waxaanay dadkaasi ku sifeeyeen in Madaxweyne Rayaale doonayo inuu dadka reer Berbera ku beer-laxowsado wershadaha la sheegay inuu dhagax-dhigay.

Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay inuu subaxnimada hore ee maanta dadweynaha reer Berbera kala hadlo fagaaraha 26 June ee magaalada Berbera, iyadoo maanta ay ku beegantay sannad-guuradii 47aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Somaliland xornimadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska, isla markaana calankii ugu horeeyay ee xoriyadeed laga taago ciidda Somaliland.

Ma jiraan warar sheegaya in Madaxweynuhu sii joogi doono Berbera iyo dhinaca gobolada bariga u dhaafi doono, hase yeeshee warar xog-ogaal ahi waxay sheegeen inuu maanta gelinka dambe ku soo laabanayo dhinaca magaalada Hargeysa.

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirada, Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil], Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf, Xanaanada Xoolaha Idiris Ibraahin Axmed, Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Xasan Gadhweyne], Wershadaha Maxamed Saleebaan Maxamed iyo Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi.

Top


Cismaan Caato Oo Laga Horjoogsaday Inuu Ka Dhoofo Madaarka Baydhabo

Baydhabo, June 26, 2007 (Haatuf) – Cismaan Xasan Cali (Caato) oo xildhibaan ka ah baarlamaanka Imbagathi ayaa shalay laga horjoogsaday inuu ka dhoofo madaarka magaalada Baydhab, ka dib markii ay maleeshiyadda C/laahi yuusuf ee ka hawlgasha madaarka Baydhabo ay iska hortaageen inuu raaco diyaarad ay Cismaan Caato oo ay weheliyaan laba xubnood oo ka tirsan baarlamaanka Imbagathi.

Xubnaha Cismaan Caato weheliyay oo magacyadooda la kala yidhaahdo C/Rashiid Xidig ayaa lagu waramayaa inay doonayeen inay u safraan dalka Kenya, walaw warar kalena ay sheegayaan inay Bu’aale ka raaci doonaan diyaarad khaas ah oo geyn doonta dalka Djibouti.

“waa nasiib darro in C/laahi Yuusuf isku dayo inuu I geliyo xabsi guri, waxaanse u sheegayaa inaan ahay xor, lana xisaabtami doono ilaa meesha ugu dambaysa”. Sidaa waxa yidhi Cismaan Caato oo u waramayay bogga internetka ee waagacusub.
Guriga Cismaan Caato ee magaalada Muqdisho ayaa todobaadkii ina dhaafay la baadhay, isla markaana sida la sheegay laga soo saaray hub fara badan, balse Cismaan Caato ayaa isagu hore ugu dooday in hanti fara badan laga dhacay.

Top


Bandooga Muqdisho Oo Sii Kordhiyey Weeraradda Lagu Hayo Ciidamada Huwanta

Muqdisho, June 26, 2007 (W. Wararka) – Afar askari ayaa ku dhintay qaar kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii fadhiisin ciidamada Imbagaati ku leeyihiin Warshada Sigaarka iyo Taraqa ay weerareen koox dabley ah oo aan la garaneyn haybtooda.

Warar laga soo xigtay dad halkaas degan ayaa sheegay in rasaas xoog leh oo lays weydaarsaday ka dib ay ciidamada Itoobiya oo watey taangiyo u soo gurmadeen ciidamada Imbagaati ee lagu weeraray Warshadii hore ee sigaarka.

Waxa kaloo wararku intaas ku dareen in ciidamada Itoobiyaanku ay subaxnimadii shalay ay xaafadihii ku dhowaa goobta weerarkaasi ka dhacay ka soo qabqabteen dad tiradooda lagu qiyaasay ila 50 qof oo dadkii deegaan ah.

Tacshiirado rasaas ah oo xalay laysku waydaarsaday qaybo ka mida magaalada Muqdisho, tacshiiradahan rasaasta ah aya dhexmaray ciidamada Imbagaati iyo kooxo dabley ah oo weeraro ku soo qaaday ciidamadaasi, rasaasta ay is weydaarsanayeen ciidamada Imbagaati iyo dableydaasi ayaa waxa ku dhintay haweenay maydkeeda shalay subaxdii laga helay goobtii, waxa kaloo la sheegay in ciidamada Imbagaati khasaare dhaawacyo ahi halkaas ka soo gaadhay.

Weeraradani waxay dhacayaan xilli magaalada Muqdisho ay jirto bandoo habeenkii Afraad, hase yeeshee qaraxyada iyo weerarada ayaa ah kuwo sii batay tan iyo markii xukuumaada C/llaahi Yuusuf soo saartay amarka bendoowga Muqdisho.

Top


“Nin Aan Muwaadin Ahayn Baa Dalkii U Xaniban Yahay,
Waxaanad Moodaa Inuu Dhaqaalaha Curyaaminayo Hoggaanka Sare”

“Madaxweynuhu Wuu Ogyahay Musuq-maasuqa Jira, Masuuliyaddana Isagaa Ku Suntan”
Mudane Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Golaha Wakiilada Somaliland

Hargeysa, June 26, 2007 (Haatuf) – “Anigu ma ihi muxaafid xag-jira, mana ihi mucaarid bartii soo dhacdaba masaxaya, maamuus-ka-xayuubinta Madaxweynahana anigu waxaan qabaa..” Sidaa waxa yidhi Mudane Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, wuxuuna Mudane Bukhaari shir jaraa’id oo uu shalay qabtay si adag ugaga hadlay laba arrimood oo kala ah musuq-maasuqa ragaadiyay dakhliga dawladda iyo curyaaminta soo waajahday laf-dhabarta dhaqaalaha dalka oo ah ganacsiga xoolaha Somaliland, kadib markii ganacsiga xoolaha kooto loogu xidhay nin carab ah.

Mudane Saleebaan Bukhaari oo ah xubin ka tirsan Guddida Dhaqaalaha wuxuu aad ugu tiiq-tiiqsaday musuqmaasuqa sida weyn u naafeeyay dakhliga dawladda iyo hagar-daamada uu heshiiska Al-jaabiri u geystay dhaqaalihii dalka, wuxuuna Mudane Bukhaari ugu horeyn shirkiisa jaraa’id ka jeediyay hadal hordhac ah oo uu arrimahaas kaga hadlayo, hadalkaasna wuxuu ku bilaabay: “Waxay dawladi ku dhacdaa ama kursiga ku waydaa, oo uu mucaaridku kursiga ku helaa waa barnaamijkiisa siyaasadeed, qaabka ay dhaqaalaheeda u maamulayso iyo sida dawladaas musuqmaasuq uga jiro. Waxa hubanti ah haddii dawlad dhaqaalaheeda musuqmaasuq galo inay dunto.

Haddii aan tusaale u soo qaato intii uu golaha wakiiladu xilka hayay, miisaaniyaddii ugu horeysay waxay ahayd tii 2006, tii labaadna waxay ahayd tii 2007, waxyaalaha xusidda muddana waxa ka mid ah labada miisaaniyadoodba waxay ahaayeen kuwo muddo dhaafay oo wakhtigoodii dib uga dhacay, waxa jirtay in golaha Wakiiladu ay codsadeen inay helaan xisaab-xidhadii 2004, 2005 iyo kuwii ka horeeyay, laakiin nasiib-darro midna ma suurto-galin, marka laga reebo xisaab-xidhkii 2005 oo la keenay isagoo muddo-dhaafay ilaa sagaal bilood wakhtigii loogu talo-galay in la keeno, xisaab-xidhkaasna markii aanu derisnay waxaanu aragnay in wax isdaba-marin badan iyo mad-madow uu leeyahay.

Waxyaalaha layaabka leh waxa ka mid ah, xisaab-xidhkaa waxa ku jiray lacag gaadhaysa 10 Milyan oo doollar oo lagu sheegay xisaab-xidhka lacag dheeraad ah oo soo baxday (Surplus), sida sharcigu dhigayana lama isticmaali karo kharash aanu ansixin golaha Wakiiladu, xataa haddii uu dheeraad soo baxo waa inay wasaaradda Maaliyaddu lifaaq soo samaysaa oo intay baahiyaha soo qoroto, dabadeedna golaha la horkeeno oo la ansixiyo, ama waa in miisaaniyadda dambe lagu daraa, laakiin labadaa midna iyadoon aan la yeelin ayay iska isticmaaleen.

Qolada Hanti-dhawrka ah ee odhan lahayd si khaldan ayay u isticmaashay wasaaradda Maaliyaddu miisaaniyadda way ku raacday, waxayse taasi ceeb ku tahay ninka shaqadiisii nin kale intuu u dhaafay difaacay.

Xogta la hayo waxa ka mid ah xisaab-xidhkaa (2005) inay dhacday in ilaa shan buug oo xisaab-xidh ah la diyaariyay oo la horkeeni lahaa golaha wakiilada, dabadeedna markii buuggaagtaas loo keenay dad miisaaniyadda ku shuqul leh ee ay darseen waxay arkeen meelo aan iyaga u wanaagsanayn oo ceebahoodu ka soo baxayaan, kadibna waxa jirta in inta shaqaale loo dalbaday la jeex-jeexay galabtii ama fiidkii, qaarna la gubo, qaarna haanta xashiishka lagu rido, taasi waxay ina tusaysaa musuq-maasuqu inuu fadhiyo xafiiska agaasimka guud ee Wasaaradda Maaliyadda, dhibaatada ugu badanna waxa iska leh xafiiskaa, qofkuna marka uu xafiiska ku raago wuxuu isku dayayaa inuu qarin karo khaladaadka.

Ummadda waxa yar ee ay haysato cadaalad ku samaysa ayaa waxa badanna cadaalad ku samaysa, haddii odhan lahaa Miisaaniyadda 2007 waxay gashay hawl oo ma shaqaynin waa macquul ah, waxayse dadweynuhu ka markhaati kacayaan in laba waraaqood (Laba miisaaniyadood) oo 2006 iyo 2007 ah, nin walibana halka uu doono ayaa looga darayaa, haddiise xisaab-xidhada 2007 laga doonayo sidee ayay wasaaraddu yeelaysaa, ma waxay keenaysaa xisaab-xidhka 2006, mise waxay keenaysaa xisaab-xidhkii 2007, mise mid dhexe ayay keenaysaa, haddii ay mid dhexe keento sideebaa loo kala gurayaa, taasi waa calaamadda ku tusaysa musuqmaasuqu sida uu yahay.

Dadweynaha Somaliland xaq bay u leeyihiin inay farta ku fiiqaan musuqmaasuqa oo ay yidhaahdaan hebel waa musuqmaasuqa aabihii, isaga ayuu ka bilowdaa kuna dhammaadaa. Tusaale ahaan haddii aad tidhaahdo waxaan doonayaa dakhligii 2006 iyo 2007, waxaad arkaysaa iyagoo kolba waraaq baadhaya oo leh taa dhiib iyo tan dhiib, iyo nagu soo noqo, taasi waxay ku tusaysaa in wasaaradda musuqmaasuq ka jiro, may ahayn inay wasaaradu laba miisaaniyadood iska garab furto. Ta kale heshiiska ay galeen guddida dhaqaalaha iyo wasaarada Maaliyaddu waxa uu ahaa in 1-da July la galo soo diyaarintii miisaaniyadda 2008, waxbana kama hadhsana.

Dhanka kale, dhaqaalaha Soomaalidu meel kasta oo ay joogaan sii Somaliland laf-dhabarta dhaqaaluhu waa xoolaha nool, iyadoo xayiradu ina saaran tahay xoolaheenu haddana dhaqdhaqaaq ayay samaynayeen, miisaaniyad kasta oo la keeno waxa ku jira adhiga oo kale malyuun iyo badh ilaa laba malyuun oo wax dhiman ayaa baxa, laakiin runtii waxa hadda dhacday in haddii ay tahay Burco iyo wixii bari ka xiga iyo haddii ay tahay Hargeysa in xoolihii oo hoganaya ay meel ay ka dhoofaan la waayo, sababtoo ah nin baa la yidhi waxa la siiyay qandaraas sicirku go’an yahay laakiin lama odhan bil walba intaa naga qaado, ninkaas heshiiska lala galayna sidaan xogta ku hayo saddexdii bilood u dambeeyay 26,000 (lix iyo labaatan kun) oo neef ayaa dhoofay, laba milyana wuu ku balanqaaday, halkaas waxa ka muuqata in heshiiskaasi xayiray laf-dhabartii nolosha dhaqaalaha Somaliland oo adhiga ahaa. Waxyaabaha tusaalaha loo soo qaadan karo waxa ka mid ah Burco oo ah sayladda adhiga ugu weyn ee Somaliland, ma ogtihiin xoolaheedu inay lixdii bilood ee ugu dambeeyayba ay ka dhoofayeen Boosaaso, mase ogtihiin in dhammaanba adhiga gobolada Sanaag, Sool iyo weliba Togdheer dhinaciisa bari inay labadii sannadood ee u dambeeyay ka dhoofayeen Boosaaso, intaaba waxa la lahaa way hagaagaysaa, Berberaa caykan ah iyo waa soo soconaa, laakiin haddana neef madax madow ayaa dekedda Berbera ka sii muuqday oo ka sii dhoofayay, dadkuna waxay lahaayeen waa kaa adhigii dhoofaya, balse waxyaabaha ugu yaabka badan ee aan soo qaadan karo waxa ka mid ah maalmahan ina dhaafay miyaad rumaysan kartaan in gawaadhida adhiga siddaa inta ay sayladda Hargeysa ka dhaqaaqaan Boosaaso adhiga geyso. Bal eeg neefkii adhiga ahaa ee Berberi caanka ku ahayd oo inta uu Hargeysa ka baxo Berbera sii maro, dawga Sheekh ka baxo oo Burco dhaafaya oo Caynaba ka gudbaya oo Boosaaso tegaya, dee meel haddii dhaqaalahaagu qabto maxaa hadhay dadkuna way ka daba tegayaan oo meel dhaqaale jiro ayay dadku isugu tegayaan, sidaas darteed haddii la sii eegto oo xaalku sidaa sii ahaado in dadkuna ka daba tago, meel duunyo joogto ayaa dad joogaa, waana taariikh madow in adhigu inta uu Hargeysa ka tago Berbera dhinac ka dhaafo oo uu Boosaaso tago, taasna waxaad arkaysaa maamulka dhaqaale ee dalka inuu curyaaminayo hoggaanka sare ee dalku.

Waxyaalaha kale ee yaabka leh waxa ka mid ah Total baa beri qandaraas shidaalka ku qaadatay, maalintii dambe 20-50% ayuu kor u kacay shidaalkii, dadkiibaa qaadan waayay, laakiin Total baa monopoly ku haysata shidaalka, ninka kootada wax ku haystaana waxyaalaha uu sameeyo waxa ka mid ah sicirka isagaa xadidda (gooya), wuxuuna ku saleeyaa faa’iidadiisa, waad arkaysaa siduu shidaalkii u qaaliyoobay, dadkiina way iska aqbaleen, oo noloshiibuu ka mid noqday, dabadeed iyadoo shidaalkii ka mid noqday noloshii adduunkaba, ayaa maantana la yidhi adhigii waxaanu ku wareejinay Mr. Hebel, oo cid kale ma dhoofin karto. Waxyaabaha maanta taariikhda galay ka mid ah in nin reer Somaliland ah oo muwaadin oo adhiile ah oo la silcaya saddex kun oo neef oo leh ii ogolaada aan dhoofiyee, oo weliba waraaq sita oo leh waraaqdaas waxa ku qoran lacagtii oo adhiga waa layga iibsaday oo lacagtii waa ii diyaar oo meel hebla ayay taallaa ee ii ogolaada inaan adhiga dekedda ka dhoofiyo, markaasaa la leeyahay maya dekedda adhi ka dhoofayaa ma jiro, markaa waa maxay caqliga ay taasi ku fadhidaa in nin muwaadin ah dalkiisii sidaas loogu galo, adduunkana iska daa wax kaloo danta qofka muwaadinka ah ayaa laga hormariyaa laba kun oo qof oo muwaadiniin aan ahayn, inagana nin aan muwaadin ahayn baa dalkii u xaniban yahay oo dherigii u damey, oo dhaqaalihii u fadhiistay, markaasaa kii adhiga la joogay neefkii ku baaryey oo wax ka iibsada waayay, oo qalbigii dadka Boosaaso loo raray. Horena bagaashka Boosaaso ayuu u wareegay, waxa ku xigay qalabkii dhismaha, kii laydhka, isgaadhsiintii, oo Wajaale Boosaasaa waraabisa oo Hargeysa intaas u jirta.

Nin fule ah ayaa adhigiisii neef waraabe kala tegay, markaasay islaantii ku tidhi waa ka waraabihii soo dhacay, markaasuu yidhi I sug anna jac la maagane, markaasay tidhi qaaday, markaasuu yidhi sug annaa jac la maagane, markaasay tidhi wuu la tegay, markaasuu yidhi sug annaa jac la maagane, dabadeedna markuu la fogaaday ee uu cunnay ayuu xabad fulaynimo ka daba ridday, markaasuu yidhi waa taa jacdii aan la maaganaa. Imika hawsha dalkeena taallaa waa annaa jac la maagan, sida ictiraafkii baa soo socda, dhaqaaluhu wuu korayaa, wershadaa la keenayaa, maantana batroolkii baa ceegaaga oo la soo saarayaa, iyo wax la mid ah, waxaasina kama duwanna maqashii quruuruxa loo tumi jiray. Markaa bal iska daa kheyraadkan aasane, sowtaa neefkii wadanku lahaa Boosaaso ka dhoofayo, qadiyadeenuna waa annaa jac la maagan, subax walbana way ka sii daraysaa. Waxaana dhacday in rag magaydo ah oo xataa weligood aan hadal ay ka hadlayaan dhaqaalaha, wuxuuna arkayaa curyaaminta dhaqaalaha wadanka lagu hayo, ama ha noqoto mid loola badheedhay oo dan laga leeyahay, ama ha noqoto mid loola khaldamay, waxay taasi tahay musbaarkii ugu dambeeyay ee halista ku ahaa ee Somaliland dhaqaalaheeda iyo mustaqbalkeeda lagu dhufanayay,” ayuu Mudane Bukhaari ku soo xidhay hadalkiisii hordhaca ahaa, hase yeeshee weriyeyaashii shirka jaraa’id joogay ayaa su’aalo weydiiyay, waxaanay u dhaceen sidan:

S: Adigu sannad iyo badh baad xildhibaan ahayd, waxaasina intaasba way jireen, markaa miyaan laysweydiin karin muxuu Bukhaari uga hadlay saaka ee jira?
J: Marka aad doonayso in waxa aad sheegaysaa ay gun yeeshaan waa inaad wakhti siisaa, ka soo qaad haddii aan maalintii u horeysay hadal bilaabi lahaa waxa laga yaabaa in la odhan lahaa waa mucaarid iyo ku-jiqsii ayuu wadaa, laakiin tani waa deraasad oo waa inaad wixii ka gun-gaadho, aniguna waxaan qabaan in shayga haddii aanad wakhti siin hadhow haraatidiisu way ku dhibtaa, markaa sannad iyo badhkaasi waa intii aan xogta ururinaayay, marka aad war hesho ayaad kiiska u dambeeya ka hadli kartaa.

S: Waxaad shirkaagan jaraa’id in badan kaga hadashay musuqmaasuq, Madaxweynuhuna wuxuu sheegay inaan musuqmaasuq iyo cadaalad-darro dalka ka jirin, labadaa arrimood siday isku qabanayaan?
J: Waxaan qabaa musuqmaasuqa jira anigoo Xildhibaana ayaa og, muwaadinkuna uu ogyahay, madaxweynuhuna wuu ogyahay.

S: Waxaad aad uga hadashay musuq-maasuq iyo dhaqaale xumo jirta, yaa leh masuuliyadda ee loo raacayaa waxa dhacay?
J: Waa Madaxweynaha Somaliland ee dadku doortay, wanaag wuxu la yimaado dhaqaalaha dalku, ogow wasiirku waa la magacaabay, kalsoonidiina yay siiyeen reer Somaliland, waa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, maadaama ay labadaa siiyeen cidda ay magacaabeen waxay wanaag keenaan haddii horumar iyo wanaag la gaadhana isagaa ku suntanaanaya, haddii hoos u dhac dhaqaale iyo xumaani timaadana isagaa ku suntanaanaya.

S: Adiga waxa lagugu yiqiinay muxaafid xag jira, maxaa iska kaa bedelay?
J: Anigu dhacdada madaxayga [maskaxdayda] ayaan ku qiimeeyaa, qof walbana aqoontiisu way xadidan tahay, markaa anigu muxaafid xag-jir ah isuma haysto, mucaarid bartii timaadaba masaxayana isuma haysto, anigu kitaab baan ku dhaartay markaa halka aan is idhaah danta ummadda ayaa ku jirta ayuun baan ku dhaqaaqaa.

S: Madaxweynaha iyo xukuumaddiisuba haddii ay dastuurka jebiyeen, musuqmaasuqna sameeyeen maxaad maamuus-ka-xayuubin ugu soo oogi waydeen sida sharcigu dhigayo?
J: Hadaad ogtahay in Golaha Wakiiladu maamuus-ka-xayuubin ku samayn karaan Madaxweynaha, waa inaad ogaataa in Madaxweynuhu kala diri karo golaha Wakiilada, laakiin shuruudo ayaa mid walba ku xidhan. Haddii ay timaado maamuus-ka-xayuubin anigu waxaan qabaa Soomaalida dhaqankeeda iyo keena gaarka ahba inay ku haboon tahay in marka hore arrinta la rogrogo oo aan la qaawin oo halka ugu dambaysa la geyn ilaa ay timaado in wax walba istaagaan, markaa dariiq kale kuuma banaana ee waa in hubka culus laysku adeegsado.

Top


Axmed Siillaanyo Oo Munaasibadda 26 June Awgeed Hambalyo U Diray Dadweynaha Somaliland

Hargeysa, June 26, 2007 (Haatuf) – Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa hambalyo u diray dadweynaha reer Somaliland isagoo ugu hambalyeynaya munaasibadda 26 June oo ah maalintii ay Somaliland gobanimadeedii ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska.

War-murtiyeed kooban oo uu Axmed Siillaanyo xalay soo saaray ayaa waxa uu u qornaa sidan: “Xuska munaasabadda 26ka June ee 47-guurada markii Somaliland gobanimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska darteed, anigoo ku hadlaaya magacayga iyo kan xisbiga KULMIYE, Guddigiisa Fulinta, Golihiisa Dhexe, Guddiyadiisa Gobolada iyo Degmooyinka, xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga Gudo iyo dibadba, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiweynaha Somaliland meelkasta oo ay joogaan.

Xorriyaddii Somaliland qaadatay 26kii June 1960 oo luntay, waxaa dib loogu soo celiyey halgan qadhaadh 1991kii; waxaanan Illaahay ka baryayaa in madax bannaanida Somaliland ay noqoto mid waarta oo aynu ku fara-adaygno, aqoonsi caalami ahna dhakhso u helno.

Waxaan shacbiga guud ahaan u rajeynayaa in maalinta maalinteeda ay ku gaadhaan nabad, horumar iyo badhaadhe.”

Top


Dad Soomaali Ah Oo Ku Dhintay Dab Qabsaday Dhisme Ku Yaala Magaalada Jeddah

Jeddah, June 26, 2007, (W. Wararka) – Sida lagu baahiyay saxaafadda boqortooyada Saudi Arabia dab qabsaday dhisme dabaq ah oo ku yaala magaalada Jeddah ayaa waxa dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhay dad Soomaali ah.

Dhimashada uu gaystay dabkaasi ayaa ah Saddex qof oo laba yihiin caruur qofka saddexaadna yahay inan 20 jir ah oo la sheegay inay iska soo tuurtay dabaqa afraad ee dhismahaasi ka dib markii uu dabku ka kacay, dhaawacuna waxa uu gaadhayaa ilaa 8 qof.
Dhinaca kale ciidamada ka hortaga dabka oo adeegsanaya baabuurta dab-demiska ayaa hawl badan oo ay galeen ka dib waxay ku guulaysteen inay dhismahaasi dabku qabsaday ka soo samata bixiyaan 15 qof oo dhamaantood Soomaali ah, kuwaasi oo ku xayirnaa dabaqyada sare ee dhismahaasi.

Ciidamada dab damiska ee dalka Sucuudiga ayay ku qaadatay in ka badan 17 saacadood inay soo saaraan maydadka dadka ku dhintay dabkaasi,kaasi oo si xun ugu baahay dhismahaaasi, sida uu ku waramay wargeyska Cukaad ee ka soo baxa Sucuudigu, hooyada dhashay labada caruurta ah ayaa ka war heshay dhimashadooda ka dib markii ay ka war heshay in odaygeedii oo ay ku halaynaysay laftiisu ku jiro cusbitaal kana mid yahay dadka ku waxyeeloobay holicii dabka.

Dhinaca kale ciidamada difaaca madaniga ee Sucuudiga ayaa ku hawlan baadhitaano la xidhiidha sababihii keenay gubashada guryahan oo ay ku noolyihiin dad Soomaali ah, kana mid ah qoysaska ugu faqiirsan magaalada Jiddah, wararkuna waxay sheegayaan in dhismahani ahaa mid duuga ama aad u da’weyn.

 


Hogaamiyayaasha Itoobiya Iyo Uganda Oo Ka Wada Hadlaya Arrimaha Somalia

Addis Ababa, June 26, 2007 [Haatuf] – Hogaamiyayaasha Itoobiya iyo Uganda Meles Zenawi iyo Youweri Moseveni ayaa shalay magaalada Addis Ababa kaga wada hadlay arrimaha dalka Somalia.

Madaxweyne Uganda Youweri Moseveni ayaa shalay booqasho ku yimid magaalada Addis Ababa, iyada oo sida la sheegay marka laga yimaado kulamada uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, uu sidoo kale wada hadalo la yeelan doono madaxda Midawga Afrika, kuwaasi oo ku saabsanaan doona xaaladaha colaadeed ee ka aloosan dalka Somalia.

Labada dal ee Itoobiya iyo Uganda oo ay ciidamo ka joogaan dalka Somalia, lama oga waxyaabaha ay kaga wada hadleen kulanka ay ka yeesheen xaalada cakiran ee Somalia.
Tirada ugu badan ee ciidamada shisheeyaha ee ah ku sugan dalka Somalia, waxay ka socdaan Itoobiya, halka ay 1,500 oo askari oo reer Uganda ahina joogaan, hase yeeshee inta badan weeraro is-miidaamin ah ayaa lala beegsadaa ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo inta badan aanay la kulmin ciidamada Uganda, inkasta oo ay ugu yaraan lix askari weeraro lala beegsaday ay iyaga laftooda [Uganda] kaga dhinteen dalka Somalia.

Ciidamada Uganda waxay qayb ka yihiin 8000 oo askari oo uu midawga Afrika hore ugu baaqay inuu nabad ilaalin ugu diri doono dalka Somalia. Hase yeeshee ciidamada Itoobiya iyagu waxa ay joogeen dalka Somalia, tan iyo bishii December ee kal hore, markii ay Somalia dawladda Imbagathi gacan ka siiyeen sidii awooda looga tuuri lahaa maxkamadihii Muqdisho.

Dawladda Burundi ayaa iyaduna sheegtay inay 1000 askari u diri doonto dalka Somalia, balse ilaa hadda ma jirto cid kale oo diyaar u ah inay ciidamo u dirto Somalia.

Wararka la xidhiidha booqashada Moseveni ee Itoobiya ayaa la sheegayaa inuu Midawga Afrika kala hadli doono sidii ciidamadii nabad ilaalinta ee Midawga Afrika hore ugu baaqay loogu diri lahaa Somalia, iyada oo uu haatan aaminsan yahay inuu Midawga Afrika haatan kaga baxay Itoobiya iyo Uganda.

Ciidamada Uganda ee dalka Somalia ku sugan ayaa la sheegay inuu doorkoodu yahay inay qarxiyaan miinooyinka iyo bambooyinka laga soo ururiyo magaalada Muqdisho.
Waxa kale oo ay ciidamada Uganda gurmad biyo dhaamin ah ugu geeyeen dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho, taasi oo ka yaraysay weerarada kooxaha kacdoonka ka wada Muqdisho ay kula kacaan ciidamada Itoobiya.

 


Dawladda Mbagathi Oo Ku Amartay Shirkadaha Isgaadhsiinta
Inay Bil Gudaheed Isku Diiwaan Geliyaan

Muqdisho, June 26, 2007, (Haatuf) – Dawladda Cabdillahi Yuusuf ayaa amar ku bixisay inay shirkadaha isgaadhsiinta ee ka hawl gala magaalada Muqdisho isku soo diiwaan galiyaan 30 maalmood gudohood, amarkaasna cidii dhayalsata ama ka dambaysa mudada loo qabtay ay la kulmi doono ganaac ciqaab ah, oo gaadhaya $30.000.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii ay xubnaha wasiirada ee maamulkaasi shalay ansixiyeen xeer ka kooban 12 qod oo loogu magac daray (sharciga isgaadhsiinta Soomaaliya), kaasi oo ay cod aqlabiyada ku ansixiyeen goluhu ka dib markii uu soo hordhigay wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta.

Sharcigan cusub ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay qorshayaasha ay dawladda cabdillahi Yusuf ugu talo gashay inay wax kaga qabato dhibaatada ka haysata dhinaca amaanka magaalada Muqdisho oo marba marka ka dambaysa faraha ka sii baxaya.

 


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Gef Garsoore Sharciga Ka Galaa Guul Ma Gaadhsiin Karaa Dhinaca Uu Dartood U Galay?

Waxay dunidu ka siman tahay duridda garsoore leexda xilliga uu laba dhinac u hayo gar,waxaana la ogyahay in mar haddii la duro garsoore ay waajib tahay inuu joojiyo dacwada uu u hayey wadisteeda,ilaa amar dambe oo ogolaansho ah ama wareejiyo dacwada ilaa garsoore kale sida la amray.

Hadaba waxaa dhacday arrin iga yaabisay anigoo ah dacwoode uu wakiishay Aabihii oo ka dacwiya Maxkamadda G/Degmo Gabilay ilaa afar sano ugu yaraan, kuna dacwiya dhul ku yaal Wajaale, oo Aabahay lahaa imikana uu haysto dhinaca kale ee aanu isku dacweynaa, iyadoo ay dheer tahay taariikhda dacwadaasna aanan maqaal kusoo koobi karin ayaa waxaa ugu dambayntii hayey gal dacwadeedkayga garsoore C/raxiin Jaamac Caydiid, waxaana dhacday in garsoore kale oo aan haynin dacwadayda oo aan hore u duray cadho uu ka qaaday duridii barigaa hore an-duray uu sidii qareenada ka taakuleeyey jawaab la amray in uu keeno dacwaysanaha aan is haynay, oo inta ay israaceen garsoorahaas ay soo qoreen jawaabtii iyada oo ay ka muuqato gacanta garsooraha hore loo duray ee galkan hayn jiray, waxaanan arkaayey iyaga oo israacay sidana waraaqdii laga soo jawaabayey ee aan soo qoray anigu, ee la siiyey dacwaysanaha, waxaa dhacay inuu ku soo muujiyey qodob X.M, aniguna aanan ogolayn in cidi haysato jagadayda oo aan hortaagan nahay maxkamadii, dacwaysanuhuna maaha nin hal qodob soo qori kara ama leh aqoontaa sharci ee.garsooraha duridda ka cadhooday ayaa soo qoray si uu uga dibaaqo galkii hore looga wareejiyey markaan durayey barigii hore, garsoorahaasi oo la ydhaahdo Maxamed Jaamac Maxamed, waxaa u imika isku sii cadaynayaa wixii aan ku duray xilligii uu hayey gartayada ee looga wareejieyey galka, markaana uu gargaaray dhinaca dacwaysanaha la yidhaahdo Cali Tubeec Axmed. Hadaba haddii garsoore gardarane garabsiiyo gari dhimatay, guulina way ka dheer tahay nidaamka garsoorka dalkeena, haddii gacan bira cadaaladu wax kaga qaban waydo, waayo cadaalad xumo waxay dhashaa nabad galyo xumo, oo ninna wixiisa nin la mid ahi ma haysan karo isaga oo nool, nabad galyo xumana waxay dhashaa nolol xumo, waayo nabadbaa laysku dhex maraa, lagu ganacsadaa, lagu dagan yahay.

Sidaa darteed guul ma gaadhsiin karo gardarane garsoore ka xanaaqay durid sharci ah oo gal-dacwo lagaga qaaday, waxaan odhan lahaa aniga oo ah C/llaahi Ismaaciil Warsame, wakiil u ah Aabahay in garsoorku dhex ahaado garta haya ama yaanu haynine oo aanu garab ama dhinac raacin sidii qareenka mar hadaanu isagu lahayn danta laba dhinac isku hayaan ama aanu marag ka ahayn lahaanshaha danta laysku hayo.
C/laahi Ismaaciil Warsame.
 


Ethiopian Airlines Waxay Iftiimisay Khatar Qarsoonayd
Oo Haboon In Lagu Baraarugo Si Loo Adkeeyo Amaanka Gaadiidka Cirka

Qaybtii Labaad

Maqaalkeenii hore waxaynu kaga hadalnay dhacdooyinkii ugu argagaxa badnaa ee ka dhacay gegooyinka diyaaradaha Somaliland 16kii sannadood ee lasoo dhaafay, waxaa kale oo aynu wax ka tilmaanay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la adkeeyo amaanka gaadiidka cirka. Hadaba cadadkeenan maanta waxaynu ku lafo guri doonaa, meelaha galdalooladu ka jirto iyo sida loo awdi karo galdaloolyinkaas, talaabooyinka looga baahan yahay xukuumada iyo waliba kaalinta ay shirkadaha diyaaraduhu ka qaadan karaan sugida amaanka gaadiidka cirka iyo qodobo kale.

Galdaloolooyinka ka Jira Gegooyinka Diyaaradaha Somaliland
Waxaa muuqata in sanadba ka kasii danbeeya ay sii badanayaan dadka ku safraya gaadiidka cirku, isla markaasna ay sii kordhayaan tirada diyaaradaha ah ee isticmaalaya garoomada dalkeena, hadaba waxaa jira galdaloolooyin badan oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto si looga hor tago dhibaatooyin dibiica ah ama kuwo argagixiso oo ku yimaada gaadiidka cirka iyo dadka ku safrayaba, waxaana ka mid ah galdaloolooyinkaas:

B. Baadhitaanka Dadka Dhoofaya:

Inkasta oo ay jirto in Garoomada diyaaradaha Somaliland ay leeyihiin laamo dhinaca amaanka ah oo baadha dadka rakaabka ah ee dhoofaya iyo alaabtooda, ayaa hadana waxaa marar badan muuqata in aan dadka dhoofaya loo baadhin sidii rasmiga ah ee waajibka ahayd in loo baadho, waxaana muuqata inaanay jirin siyaasad cad ama hab baadhiseed qayaxan oo cilmi ku qotonta oo ay raacaan laamaha qaabilsan baadhista dadka iyo alaabtooda, waxaanay habka baadhistu ku xidhan tahay askari kasta iyo aqoontii iyada oo dadka qaar laga yaabo in xoog loo baadho halka qaarna aan si hufan loo baadhin lagana yaabo inay sababtu tahay waji garasho, saaxiibtinimo amaba gacan dhiib maaliyadeed oo askariga baadhista samaynaya ka leexin karta inuu baadhis rasmi ah ku sameeyo qofka dhoofaya. Sidoo kale waxaa dhacda in qof la baadhay oo ay ahayd inuu ku eekaado goobta uu ka dhoofayaa uu dibada usoo baxo oo hadana uu ku noqdo gudaha madaarka isaga oo aan la baadhin kuna andacooda in hore loo baadhay.

T) Madaarrada Dalkeena oo aan lahayn Goobo Caaggan (restricted zones)
Madaar kasta waxaa waajib ah inuu lahaado goob ama barxad gaar ah oo ka caaggan in ay galaan cid aan ahayn shaqaalaha ama dadka dhoofaya oo qudhi. inkasta oo ay leeyhiin garoomada diyaraadaha dalkeenu meelo gaar ah oo loogu talo talogalay in dadka dhoofaya mooyaane aanay cid kale galin, hadana waxaan shaki ku jirin in meel kasta oo madaarradeena ka mid ah aad ku arki karto dad aan dhoofayn shaqaalena aan ahayn oo hadana dhex cararaya goobaas cayiman, waxaanay tani khatar galin kartaa amaanka gaadiidka cirka, waxaana lagama maarmaan ah in aan marnaba iyo sinnaba aan loogu ogolaan inay cid aan dhoofayn ama aan shaqaale ahayni ay soo galaan goobaha dadka dhoofaya ee baadhista dhamaystay ay joogaan, sidoo kalana waa inaan marna loo ogolaan qof labaadhay ama alaab la baadhay in dibada ay usoo baxaan duruuf kasta oo jirta, qofka baxa waa inaan la ogolaan inuu diyaarada raaco ilaa baadhis adag oo culus lagu sameeyo.

J: Is Dhexyaaca Shaqaalaha Madaarrada:

Waxaan shaki ku jirin in garoomada diyaaradaha dalkeena ay ka jiraan is dhexyaac badan oo ka muuqda shaqaalaha madaarka, sida kuwa cashuuraha, laamaha socdaalka, xamaaliinta, iyo waliba ciidanka amaanka, is dhex yaacaasi waxa uu sababi karaa in ay debecdo indho ku haynta amaanka diyaaradaha iyo amaanka guud ee madaarka, waxaana lagama maarmaan ah in dib u nidaamin lagu sameeyo laamaha ka hawl gala madaarrada dalka, isla markaasna calaamado muuqda iyo dirays habaysan oo lagu kala garto loo sameeyo shaqaalaha, sidoo kalana tababar joogto ah oo ku salaysan hanaanka shaqada oo joogto ah la siiyo shaqaalaha si aqoontooda kor loogu qaado.

Waxay ahayd sanadkii 2002 markii Qiimayn aanu ku samaynay Madaarka magaalo madaxda Hargeysa, inkasta oo ay taariikhdaasi ahayd wakhti hore oo sanado badani ay kasoo wareegeen, isla markaasna ay suurto gal tahay inay wax weyni ay iska badaleen xaaladii uu ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha Hargeysa berigaas, ayaa hadana waxay ahayd xilli ay dadweynaha aduunka maskaxdooda ay kasii guuxaysay dhacadii argagaxa lahayd ee 11kii September ka dhacday dalka Maraykanka, si hadaba looga hortago in dalkeena ay ka dhacaan arrimo argagixiso ama shilal kale oo waxyeelo u geysta amaanka gaadiidka cirka, waxaan u socdaalay dalka hooyo, waxaana tababor gaaban oo la xidhiidha ilaalinta amaanka diyaaradaha iyo habka wax loo baadho aanu siinay shaqaalaha shirkada Daallo Airlines iyaga oo aanu qaybinay qoraalo tilmaamaya habka ugu haboon ee baadhista loo sameeyo isla markaasna loola macaamilo khataraha ku iman kara gaadiidka cirka, sidoo kale waxaan kulan la yeeshay wasiirkii Gaadiidka Cirka Somaliland ee waagaas mudane Maxamed Cabdi Dheere, waxaana kulankaas oo uu igu weheliyay Mudane Muniir Abu Site oo ah masuul sare oo Daallo Airlines ka tirsan aanu wasiirka kala hadalnay sida ay lagama-maarmaanka u ahayd in xoogga la saaro ilaalinta amaanka diyaaradaha, nasiib darro Wasiirku waxa uu markaas u muuqday nin xiiseynayay oo qudha lacagta Shirkadaha Diyaaraduhu ay siiyaan wasaaradiisa oo ahayd cashuurta loo yaqaan (Landing Fees) oo xiligaas ay toos u qaadan jirtay wasaaradiisu, waxaana uu wakhtigii nagaga dhamaaday sidii uu ugu murmaayay wasiirku in lacagaha Landing Feega todobaad kasta la siiyo halka bishiiba mar laga siin jiray, waxaana xafiiskii wasiirka aan kasoo baxnay anaga oo aad u niyad jabsan, natiijada kasoo baxday baadhista aanu ku samaynay madaarka halkan kuma soo bandhigi doono sabab la xidhiidha dhinaca amaanka ah darteed.

Maxaa La Gudboon Xukuumada Somaliland Si ay u adkayso Amaanka Gaadiidka Cirka?
Xukuumada Somaliland waxaa looga baahan yahay inay qaado talaabooyin degdeg oo dib loogu eegayo ilaalinta amaanka gegooyinka diyaaradaha si loo sugo in garoomadeena diyaaraduhu ay sii ahaadaan qaar si nabadgelyo iyo kalsooniyi ay ku jirto ay u isticmaalaan shirkadaha diyaaraduhu, waxaana lagama maarmaan ah in la bilaabo tababarro la siinayo masuuliyiinta iyo laamaha ka hawl gala madaarrada, isla markaasna waxaa haboonaan lahayd in xukuumadu dhisto oo ay magacawdo Agaasin Guud oo u xilsaaran ilaalinta iyo isku duba ridka Amaanka Gegooyinka Diyaaradaha Somaliland, waxaa kale oo lagama maarmaan ah in wacyi galin balaadhan la siiyo dadweynaha si loogu ababiyo inay u hogaansamaan shacrciyada u degsan madaarrada.
Maxaa iyana la Gudboon Shirkadaha Diyaaradaha si ay uga qayb qaataan ilaalinta Amaanka?

Shirkadaha Diyaaradaha waxaa ku waajiba inay garab iyo gacanba siiyaan ciidamada amaanka kuna taakuleeyaan wax kasta oo ay ku taakulayn karaan haday tahay dhinaca qalabka iyo dhinaca dhaqaalahaba, iyada oo billad geesi ay mudan yihiin shirkadaha Diyaaradaheena gaar ahaan Shirkada Daallo oo kaalin xoog leh ka qaadatay isu socodka dadweynaheena ku kala filiqsan qaaradaha aduunka, hadana waxaa hubaal ah inay kaalin weyn ka geysan karaan horumarinta gegooyinka diyaaradaha Dalkeena, waxaana lagama maarmaan ah in shirkadaha Diyaaraduhu ay u hawl galaan sidii ay dawlada uga caawin lahaayeen in Madaarrada dalkeena loo soo iibiyo qalabka lagu baadho waxyaabaha qarxa si loo adkeeyo amaanka garoomada dalkeena.

Dhacdadii Ethipian Airlines; Yaa Mudan Inaan La Baadhin?
Waxaa la dareemi karaa in sababta ay Ethiopian Airlines dadka raacaya u baadhaa ay tahay iyada oo aan kalsooni ku qabin qaabka baadhista ama hababka wax loo baadho Garoomada Diyaaradaha Dalkeena, taasina waxaan shaki ku jirin inay tahay sabab macquul ah oo waajib kagaga dhigaysa diyaarada Ethiopian Airlines inay baadho dadka rakaabka ah ee raacaya si ay uga hor tagto falal argagixiso, sidoo kale waxaan shaki ku jirin in Itoobiyaanka ay ku furan yihiin colaado badan oo dhaliyay nacayb loo qabo, arrimahaasi oo dhami waxay arrin la fahmi karo ka dhigi karaan in Ethiopian Airlines ay ku saxan tahay inay baadho dadka raacaya, waxaanan Shakhsiyan ku dhiirri galin lahaa in Shirkadaha kale ee diyaaradaha sida Daallo Airlines in ay samayso talaabo la mid ah tan Itoobiyaanka oo ay iyaguna si gaar ah u baadhaan dadka diyaaradahooda ku safraya si ay usii xoojiyaan amaankoda, hadaba waxaa is weydiin leh yaa mudan inaan la baadhin?
Shakhsiyan waxaan aaminsanahay inaan la baadhin Masuuluyiiintan sharafta qaranka huwan oo kala ah:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa
Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Marawadiisa
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Marwadiisa
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Marwadiisa
Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka Kulmiye mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Marwadiisa
Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka UCID Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Marwadiisa
Lixdaas Masuul waxaan ahayn waxaan aaminsanahay inay shirkadaha diyaaradaha iyo ciidamada ammaanku ay u baadhaan si adag, isla markaasna ay hubiyaan inaan diyaaradaha la saarin shandad ama kartoon aan la baadhin, sidoo kalena waa inaan sinnaba loo ogolaan inuu diyaarada fuulo qof aan si buuxda loo baadhini.
Waa taas ta aan ku sugi karno in hawadeenu noqoto mid ay si amaan ah uga kala gooshaan diyaaradaha caalamku, dadka ku safrayaana ay ku dareemi karaan kalsooni buuxda oo ku saabsan dhinaca amaanka.
Kaysar Cabdilaahi
Tifaftirka Somali Voice.
Bristol. UK

 


Qisadii Huryada Iyo Tii Waraabaha
Maxamed Yuusuf (Keyse)

Halkan waxaynu ku arkidoonnaa labo qiso oo ku kala saabsan Huryo iyo Waraabe. Qiso waxay ka hadlaysaa dood dhexmartay shinbirta Huryo iyo niman geel-jire ah, qisada labaadna waxay ka warramaysaa Waraabe wacad la galay xoolo.

Huryadu (oxpecker) waxa weeye shinbir yar oo xoolo dhaqatada Soomaalida dhibaato ku haysa. Huryadu intay nafta ka jarto xoolaha hilibkooda ma cunto, balse intay neefka guudkiisa afka ku qoddo, oo dalooliso ayey dhiigga ka dhuuqdaa. Inta badan Huryadu waxay ugaadhsataa geela oy aad u jeceshay inay ka mudmuddo garbaha; miskaha; boqnaha iyo meel kasta oo u nugul una jilicsan afkeeda. Haddaba qaybta hore ee maansadan Dhibaadi waxay ka sheekaynaysaa dood dhexmartay shinbirtaa Huryo iyo niman geel-jire ah, waxaanay u dhacday sidan:

Dhibaadi 25/12/2003
Axmedow nin dhuuntoo
Beri hore dhuyaalaan
Xaajada dhabteediyo
Haynin dhabannadeedee
Warka aan u dhiibnee
Bal dhegayso sheekadan.

Dhagarleyda Huuryadu
Waa dhuuryo yaab lehe
Raggay dheemmantiisii
Geeliisa dhiinka ah
Afkeedii dharraan jiray
Kaga dhaabtay adhaxdee
Dheecaan ka madhisaa
Dhiidhiga xanaaqa ah
Markay dhagax la tuuriyo
Dhug la gaadhiwaayeen
Dharaskooda caalwaa
Huryo dhagas ku yidhi beri:
"Naayaahe Dhuuryooy
Geelayagaad ku dheeshaa
Ma kuu dhaxal awaw baa?
Qaalmahiisa dhaashtiyo
Baarqabkiisa dhibida leh
Dhuuni ay cunaan iyo
Dheeftii u diiddoo
Dhaar baad ka marisoo
Adigaa dharqanayoo
Ka mudaaya dhuuntoo
Garbahaad ka dhuuqdiyo
Miskahaad ka dhilataa
Waagii dhalaaliyo
Cadceeddii dhacaysiyo
Dharaartii timaaddaba
Dhaymo nooga baahane
Ma nin nala dhaqdaad tahay?
Shinbirtaadan dhiciskii
Dhirbaaxaad ku filantee
Maxaad noo dhibaysaa?"
Huryo-dhagas waxay u dhalatay khaayinnimo, indho-adaygna wey ku darsatay, aftahannimona wey u dheer tahay.
Huryo-dhagas han dheerida
Inay dooddo ugu dhane
Waxay tidhi dhankeedii:
"Hadal kama dhirfaayoo
Ka dhaqaaqimaayee
Dhammidaaba geel-jire
Anigaaba dhawroo
Dhaqaaleeya geelee
Dheel-dheelku waa maxay?
Markaan guudka dheeriyo
Dhabarkiisa fuuluu
Dhacadiidsi doonaa
Manaa geela dhaawaca?
Dhogortaan u feedhaa
Farta aan dhaqajaa
Waxa ay uga dhigan tahay
Isagoo dhinbiil iyo
Dhuub dooga cunayee
Waar maanaa dhibkiisa ah?
Ma anigaa ka quba dhiig?
Maxaa ii dhakraysaan?

Wiilal dhoohan baa tiin
Alla muu dhawaaqoo
Ina kala dhex joogoo
Garta aan u dhiibnoo
Dhabta sheego geeluba
Keenna ceebta dhaansada!"

Dhoobbi geel-jir weynoo
Dhegaysanayey hadalkoo
Dhuuxaayey dooddii
U dhexaysay huuryiyo
Dhibbanaha muduciga ah
Ayaa dhiirranaantiyo
Siday dhagaraheedii
Uga dhuumanayso
Huryo-dhagas ka yaaboo
Wuxuu dhoobbigii yidhi:
"Dhumucda iyo xooggaba
Dhuuggoo ka taag daran
Dhacdadiisa ficilka ah
Lama dhaadiwaayee
Huuryadan dhiblowga ah
Dhidibkeedu adagaa!
Xoodaamo dhimashiyo
Inay xeel wax dheer tahay
Qalbigii ka dheregsani
Erayda dhab diidka ah
Ka dhegaysan maayee
Dhallinyarooy nin geelliyo
Huuryo-dhagas sidoodaba
Dagaal baa dhex yaallee
U dhug yeesha xaajada."

Maanta iyo dharaartaa
Dhagas iyo nin geel wada
Dhagar baa u tiil meel.
Maansada Dhibaadi waxay leedahay "beribaa dhurwaa (waraabe) u yimid xoolo oo ku yidhi "xoolow maanta laga bilaabo waan ka toobadkeenay dhiiggiina iyo hilibkiina inaan quuto, waxaanan dhaar idiinku marayaa inaan arrintaa dib la iigu arkayn." Maansadu waxay muujinaysaa in xoolaha dhurwaagu la kulmay ahaayeen adhi (riyo iyo ido). Dhibaadi waxay inooga sheekayn doontaa sidii qisadaasi ku bilaabantay iyo siday ku dhammaatayba.
Qiso kaloo ku dhaw taas
Aynu yara dhudhuminnee
Beri baa dhurwaa yidhi:
"Duunyooy dhammaantiin
Dhaar waxaan ku marayaa
Inaan dhuunyadkiinii
Dib la iigu dhuganayn
Hilibkiyo dhiggiisiyo
Beri dhiiggu iga yahay."

Dhawaaqaasi dabadii
Duunyadii badh dhaantiyo
Dheel iyo ciyaar tume
Badhna dhagi hurdo ah gale
Badhna dhawr su'aalood
Dhurwaaga toobbadiisii
Dhuuxeeda shawr gale
Badhna intay dheg taageen
Dhuuxiyo dirkeedii
Iyagoo ku jira dhirif
Xag u yara dhanbuuqsade.
"Weger! Sidee loo rumaysan karaa dhagar qabahan aan wax lagu aamino lahayn," ayaa riyihii is weydiiyeen. Riyaha waxa lagu tiriyaa xoolaha kuwa ugu feejig, halka idahana lagu tilmaamo demmanaan iyo dhegweyni.
Goor ay duhur dhankiisii
Cadceeddii u dhurataa
Dhagdhagtiyo farxaankii
Wan yar oo ku kala dhacay
Geed dhaloola hoostii
Intuu helay dhurwaagii
Hamuuntii is dhiganwaa
Muudsay dhayladiisii
Isagoo af dharan oo
Dhuuxaaya lafihii
Dhugte xoolihii qaar
Dhug intay yidhaahdeen
Warka iyo shilkaa dhacay
Durba la isu dhiib dhiib
Dhuxdhux iyo faq lagu tebi.

Dhuruq goobta ceebeed
Isagoo is dhuub loo
Xaqiiqada ka dhuumo leh
Ujees-jeesay dhinacyada
Dhaqaaq joogsi coogcoog
Misna dhiirrayoo socoy
Waa doqon dhurwaaguye
Dhoollihiisa hilibka leh
Meeshaba isagoon dhigan
Weli laguma dhaadine
Qosol dheelallaabo ah
Ku dhabbaco naftii yidhi
Kala waax af laba dhan ah
Dhuruq foolashiisii
Sida dhiriqda oo kale
Xinjirii ku dhoobnaa
Sida dhayda loo arag
Hal mar dheygag lagu eeg
Dhega-dhega! la wada yidhi.

Qisadaana laga dhaxal
In dhurwaaga weligii
Dhaqan doorsan laga filin.
Maansada Dhibaadi iyadoo inoo qeexaysa waxa ku kelifay inay inooga sheekayso maaweelooyin murtiyeysan iyo dulucda ujeedadeeda waxay tidhi:
Maansada dhaleyda ah
Dhammoow sheeko-baraley
Waxaan ugu dhigdhigayaa
Ama ugu dhejinayaa
Wax sidaa ka dhigan baan
Fan ku soo bandhigayaa.

Dhabta iyo xaqiiqadu
Inaanay dheg-xumadiyo
Dhagartiyo ableydiyo
Dhiillada la hoyan karin
Yaan nin aan dhugweynayn
Dha'da ugu gudbinayaa.

Nin dhardhaari karayaa
Xaajada ka dhaliyee
Nin xilkiisii dhagar iyo
Dheryo jebis u qaatoo
Dhaqaalee ha joogtee
Dhiifay maatadiisaan
Waanada u dhurayaa
Samirkiyo dhursugadaan
Dhood-dhoodi leeyoo
Dhanna baho dugaag baan
Dhoobdhoobi maayee
Dhengedaha u lulayaa.

Wuxuu dhimay wuxu dhigay
Nimaan lagula dhici karin
Lagu dhiirranaan karin
Isna aan wax dhaafayn
Dhegna aan u tudhanayn
Dhiigna aan ka tudhanayn
Ayaan dhuuxa sheekada
Nimaan dhaadin barayaa.

Xeelado is dhababoo
Dhacamaha adkaystoo
Dhaqaalihii wareemoo
Dhaqankii burburiyoo
Bulshadeenii dhumiyoo
Dhabqiyoo wareershaan
Dhumucdooda dayayaa
Hadba dhinac u rogayaa
Dhaqtar ugu wacwacayaa!

Boog baa ninkii dhigay
Ka sugaysa dhaymoo
Bulshadeena dhoylaan
Dhiidhaa u dirayaa.

Gabaygiyo dhawaaqiyo
Dawaaddiyo dhigaalkiyo
Dhumucdiyo odhaahdiyo
Dhexdaan qalinka haystaa!
Dhambaallada ku qorayaa!

Cashar dhaxal ka dhaxaloo
Ruuxa nooli dheehdoo
Ka aan dhalanin sugayaan
Waxaan lumin ka dhigayaa.

Dhegooliyo caniid iyo
Qaar dhagaxdixeedaan
Dhawdhawda erayada
Ka dhacsiinayaayoo
Dheel-dheeli maayee
Axmedow dhegeysoo
Maansadu dhar weeyee
Waa dhibaade muunee.

Maansadu dhadhamo iyo
Dheef raadis ma ahoo
Tuman maayo dhaantoo
Magac kuma dhadhabayee
Ammaan uma dhutinayoo
Maamuusku dhalad iyo
Dhadhan malaha waaree
Waxa aniga igu dheer
Dhawritaanka samahoo
Dhammee waxaan is leeyahay
Hadba xaajo dhiman oo
Murti baan u dhigayaa
Ninka dhaadi karayoo
Waxaan dhiibayaa sahay
Suugaantu dhidibtee
Ku dhabcaalimaayee
Dhito weeyee ii qabo
Inta dhugata mooyee
Intay dhaafto garansii.

Axmedow dha iyo wow
Ku dhammeey heestee
Dhammoow nooli kulantee.
Nuxurka maansadu waxa weeye aadmiga xumi wuxuu leeyahay labo arrin: marka denbi uu galay lagula garnaqsado ma garqaato ee wuu murmaa. Marka labaad ma leh wacad iyo ballan lagu aammino.
Dhammaad
Maxamed Yuusuf (Keyse)

 


Rayaale Haddii Aanu Dhakhtar Ii Dirin Ugu Ridi Mayno UDUB Doorasho Dambe

Anigoo ah muwaadinka magaciisa la yidhaahdo Cumar Asqo, dadka kursigaygii ku fadhiya waxa ka mid ah Saleebaan Maxamuud, waxaanu 17 sannadood isiin waayay wax aan ku samaysto meel aan ku hoydo.

Haddaba aniga oo ah madax-dhaqameedka Sola-madow, waxaan doorashooyinkii ina soo maray ugu ridday oo aan codka siinay xisbiga UDUB. Laakiin maanta haddii aan Madaxweyne Rayaale ii dirin Dhakhtar waxaan samayn doonaa inaanay qabiilka aan madax-dhaqameedka u ahay ee Solo-madow ama reer Maxamed Cadaawe ugu riddin xisbiga UDUB doorasho dambe.
Mujaahid Cumar Asqo

Top