Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1462 July 8, 2007

Saraakiil Sar-sare Oo Itoobiyaan Ah Oo Socdaal Ku Jooga Somaliland

“QARAN In Lagu Soo Biiro Mooyee Xisbi Kale Kuma Biirayo, Rayaale Iyo Xukuumadiisuna.. ”
Eng. Baashe Cabdi Gaboobe, Gudoomiyaha wacyi-gelinta iyo abaabulka QARAN - Waraysi

“Sacaadadiin Degmo Iyo Gobol Midna Ma Bixin Karo, Dawlada Dhexe Cid Aan Hayn”
Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga [Fu’aad Aadan Cade]

Muran Xoog Leh Oo Ka Taagan Laba Nin Oo Ciidamada Mbagathi Dil Ku Fuliyeen

Radio Hargeysa Oo Habeen Hore Warka Koowaad U Qaatay Xayeysiis Sigaar, Habeen Saddexaadkiina Mudaharaad aan jirin Baahisay

Radio Hargeysa: Ceebtii Shalay, Xaaladda Maamul-xumo Iyo Tacadiga Shaqaalaha

Wakiilada Oo Guda Galaya Doodda Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Doorashada Golaha Degaanka, Oo Kuraas Looga Qoondeeyay Haweenka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahay

Tacadiga Ay Masuuliyiinta Iyo Maalqabeenadu Kula Kacaan Dadweynaha
Xadhigii Mujaahidka Safarka Ah Cabdi Kurtin Mandheera Ugu Diray

DALJIRE: “Maqan Baan Dhigay”

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ha Lagu Daydo Mustafe Shiine

EREY DHAAN-WADE

Madaxweyne Arrintaadu Waa Wadhaf Iyo Shimbiro War Isuma Hayaan Su'aalaha La Xidhiidha Wershedeynta Gobolka Saaxil

Reer Berbera Waxay Sugayaan Duco Qabeynta Wasiirada Saaxil Ee Kuraasta Sida Leexada Isugu Ruxaya
Qalinkii Muj Maxamuud Ducaale Saleebaan (Maxamuud-Talaabo)


Saraakiil Sar-sare Oo Itoobiyaan Ah Oo Socdaal Ku Jooga Somaliland

Hargeysa, July 8, 2007 (Haatuf) – Koox saraakiil sar-sare ah oo ciidan ah oo ka socda dawladda Itoobiya, ayaa maalmihii u dambeeyay socdaalo ku gaalaa-bixiyay qaar ka tirsan xeryaha iyo xarumaha ciidamada bileyska Somaliland.

Kooxdan saraakiisha ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 3 sarkaal oo sar-sare, waxay dalka soo gaadheen Khamiistii toddobaadkii hore, waxayna socdaalkooda ku simeen ilaa magaalada Berbera iyo gobolka Saaxil, waxaana ka mid ah meelaha ay gobolka Saaxil ka booqdeen Dugsiga Tababarka Bileyska ee Mandheera.

Sidoo kalena waxay saraakiishani booqdeen xarumaha iyo xeryaha Bileyska ee Hargeysa iyo meelo kale.

Hase yeeshee, wax war ah xukuumadda Somaliland kama soo saarin ujeedada socdaalka saraakiisha Itoobiya, waxaase la rumaysan yahay inay u socdeen hawlo la xidhiidha dhinaca ciidamada Bileyska, iyadoo ay warar qaar leeyihiin ujeedada socdaalka saraakiishani wuxuu la xidhiidhaa sahamin iyo deraasad dhinaca tababarka Bileyska ah.

Taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland oo bishii hore la hadlayay kooxo Bileys ah oo tababar loo xidhay, ayaa carrabka ku dhuftay inay dhowaan iman doonaan saraakiil Itoobiyaan ah oo dhinaca tababarka ka caawin doona ciidamada Bileyska, iyadoo uu taliyaha Bileysku intaas ku daray in tababarka Bileyska la gaadhsiin doono ilaa heer layli-sarkaal.

Inkasta oo ay xukuumadda Somaliland beenisay, haddana waxaa muddooyinkan dambe la isla dhexmarayay inay dhinaca Itoobiya ka iman doonaan ciidamo lagu tilmaamay tababareyaal, kuwaas oo fadhiisimo ku yeelan doona meelo ka mid ah gobolada galbeedka. Hase yeeshee lama ogga inay weftigan saraakiisha ahi arrimahaa xidhiidh la leeyihiin iyo inay hawlo kale u socdeen.

Top


“QARAN In Lagu Soo Biiro Mooyee Xisbi Kale Kuma Biirayo, Rayaale Iyo Xukuumadiisuna.. ”
Eng. Baashe Cabdi Gaboobe, Gudoomiyaha wacyi-gelinta iyo abaabulka QARAN - Waraysi

Hargeysa, July 8, 2007 (Haatuf) – In ururkayaga QARAN lagu soo biiro mooyee isataraatiijiyadayada iyo barnaamijkayaga kuma jirto inaanu xisbi kale ku biirno, hadaanu ku biirayno saddexda xisbi mabaanu furneen QARAN” sidaa waxa yidhi gudoomiyaha abaabulka iyo wacyi galinta Ururka siyaasiga ah ee QARAN Eng Baashe Cabdi Gaboobe oo shalay weriye ka tirsan wargeyska Haatuf ugu waramayay xafiiskiisa, waxaanu faah-faahin iyo sharaxaad ka siiyay mudadii uu ururkoodu jiray waxyaalaha u qabsoomay iyo heerka ay taageerada Ururka QARAN wakhtigan xaadirka ah marayso.

Baashe Cabdi waxa uu waraysigan kaga hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya, hase yeeshee waxa uu ugu horayn hadal hordhaca uu halkaas ka jeediyay ku yidhi “Horta ururka QARAN waxaanu aasaasnay oo aanu ku dhawaaqnay bishi April 2007 oo aanu kaga dhawaaqnay caasimada dalka Somaliland ee Hargeysa. Ugu horayna waxaanu inta badan xooga saarnay, sidii aanu bulshada uga wacyi galin lahayn xuquuqda iyo sharciyada ururka ee distoorka qaranka ku qeexan, iyo guudaheenaba damaanad qaadka distooriga ah ee ururada siyaasadda lagu furan karo, taas oo aanu todobaadkiiba istiraatiijiyad ka dhignay in aanu hal mar shir-saxaafadeed qabano oo aanu kaga hadalno wadciga iyo duruufaha Somaliland ku xeeran iyo sidii looga gaashaaman lahaa ee eray midaysan looga yeelan lahaa, taas oo ah mid ururkayagu kaga gadisan yahay saddexda xisbi ee jira, intaa ka dibna markii aanu qiimaynay dareenka iyo taageerada ay shicibku nagu siiyeen, aasaaska QARAN waxay dhiirigalin nagu siisay in aanu gobolada dalka ee kalana usii gudubno oo aanu xafiisyo ka furano, iyadoo aanu magaala madaxda gobolka Togdheer ee Burco ka furnay xafiis Ururku leeyahay, kana dhisnay gudiyo hogaamineed, sidoo kalena gobolka Sanaag iyo degmada Oodweyne oo wafti uu hogaaminayo gudoomiyuhu ay socdaal ku joogaan, si ay uga soo furaan xafiisyo. Dhinaca kale waxaanu iyagana xafiisyo ka furnay demada lug-haya iyo guud ahaanba demooyinka gobolka Hargeysa gaar ahaana shanta degmo ee caasimadu ka koobantahay oo gudiyo aanu ka wada dhisnay. wakhtigan xaadirka ahna waxaanu ku talo jirnaa sidii aanu socdaalo ugu kala bixi lahayn gobolada Sool, Saaxil iyo Awdal anagoo taargad-kayagu yahay inaanu ceelaayo iyo lawya caddo ka soo furno ururka QARAN, kana soo dhisno gudiyo heer degmo iyo heer gobl, taas darteed ilaah hadda waxaanu guulo ka gaadhnay kasbashada mushtamaca Somaliland oo aanu uga helnay dhimaha ururkan”.

Su’aalihii halkaasi laga weydiiyayna waxa ka mid ahaa:

S: Ururkiinan siyaasiga ah ee QARAN xukuumaddu si weyn ayay uga biya diidsn tahay jiritaanka sharciyadiisa, markaa maxaa idiinka meel yaala arrimahaas, ee qorshaha idiinku jira?
J: Horta sharciyada Ururka QARAN iyo urur kasta oo siyaasadeed oo lagu dhawaaqaa, xukuumada iyo cidkale toona laga baryi maayo sharcigooda oo distoorka iyo shuruucda dalka ayay ku cadahay, wixii sharciyadu ogoshahayna cid horjoogsan kartaa , cid muhmal galin karta toona ma jirto, sida darteed QARAN ma difaacayo xuquuq uu isagu gaar u leeyahay ee waxa uu difaacayaa xaqa uu umadda distoorku u siiyay, ururada siyaasada xaqaasina waa muqadas, ay difaacan doonaan umadda reer Somaliland, Rayaale iyo xukuumadiisuna haday wax sharciyada iyo xeer 14 burinaya hayaana ha keenaan ama beenta ha iskaga baxaan oo kalsooni ay nagula tartamaan hayeeshaan.

S: Waxa la sheegay in xisbiga kulmiye shir hoose oo aad wada gasheen aad ku heshiiseen hadii ururkiina ay u suurtagali waydo galilta tartanka doorashada golaha deegaanka saddexda xisbi oo kali ahi ay ku tartamaan in Kulmiye aad isla meel dhigteen inaad ku biirtaan arimahaasi maxaa ka jira?
J: Horta shir aanu xisbiga kulmiye wada yeelanay oo aanu heshiis ku gaadhnay ah inaanu
Isku biirno horta haba yaraatee waxba kama jiraan, waxaanse kuu sheegayaa in anaga QARAN ahaan nalagu soo biiro mooyaane aanaan anagu urur ahaan xisbi kale ku biirayn, maxaa yeelay hadaanu xisbi ku biirayno ururka QARAN iyo mabaadi’diisaba maanu dhisneene saddexda xisbi ayaanu kala geli lahayn, balse ururka QARAN istaraatiijiyad siyaasadeed ayuu leeyahay, iyo barnaakij u khaasa, iyo hadaf fog, balse anaga damacayagu maaha kursi iyo mansab.

S: Waxaa la sheegay inaad dhawaan wafuud ugu kala baxdaan deegaanada gobolada Somaliland, arrintaasi maxaa ka jira?
J: Qorshahaasi waanu ku guda jirnaa, insha allaahuna waxaanu damacsanahay inaanu todobaadkan socdaalo ugu baxno gobolada Saaxil, Awdal iyo Sool iyo guud ahaanba deegaanada gobolada Somaliland, arrimahaasna tabaabulshahoodii iyo diyaar garowgoodii ayaanu ku jirnaa.

S: Taageero intee le’eg ayaa shicibka caasimadda ka haystaan idinkoo baryahan dambena shirar doceedyo kula jiray degmooyinka caasimadda?
J: Run ahaantii hadaan kuu sheego taageerada ururka QARAN iyo mudadii koobnayd ee uu jiray waxaan is odhan karaa koboc balaadhan ayuu sameeyay, maalinba maalinta ka dambaysayna guud ahaan shicibka Somaliland guud ahaan taageeradiisu way sii kordhaysaa, gaar ahaana waxaaban odhan karaa ururka QARAN waa ururka ugu taageerada badan caasimadda Hargeysa, waxaanse odhan lahaa Rayaale iyo Colkiisa maaha inay siyaasad ka dhitaan cayda iyo barobagaandada QARAN ee waa inay macno iyo aragti siyaasadeed oo u cuntama umadda u soo ban dhigaan, balse maaha inay umadda wax qabad iyo siyaasad uga dhigaan arrinta ay caadada ka dhigteen ee ah, urur waa sharcidaro, waalagu mudaharaaday iyo dadkaa la kicinayaa, anagase urur ahaan wax weyn bay na tareen, Rayaale iyo colkiisu yooyootan iyo qadaf kasta oo ay noo gaystaan jawaab la’aan tayada shacabka ayaanu taageero kaga helnaa, oo haday siyaasadoodii noqotay aflagaadada iyo fidinta been abuurka ah ee indha adayga ku dhisan, QARAN waxaasi xaasha waa ka bari.”

Top


“Sacaadadiin Degmo Iyo Gobol Midna Ma Bixin Karo, Dawlada Dhexe Cid Aan Hayn”
Wasiirka Wasaaradda Reer Miyiga [Fu’aad Aadan Cade]

Hargeysa, July 08, 2007 (Haatuf) – Reer miyigii oo cabanaya oo barkadihii loo sameeyey ciid baa oodaysa wakhtiga xagaaga ah, ceelkii laga cabi jiray ee la odhan jiray Ceel-Gaal biyihiisii way xumaadeen oo dhanaanaaday,” sidaa waxaa yidhi Wasiirka Deegaanka iyo horimarinta Reer Miyaga Md: Fu’aad Aadan Cadde, oo u waramaayey Wargayska Haatuf, mar ay shalay ku booqdeen Xafiiskiisa, waxayna Su’aalihii iyo jawaabihii u dhaceen sida:

S. Marka hore waxaad nooga warantaa inta meelood ee aad soo martay?
J. Dalka ma wada gaadhin ee inyar ayaan ka gaadhay, dalkana lama wada gaadhi karo oo wax qarsoon maaha, sideedaba degma walba waa naloo joogaa, oo cid-baa noo joogta, laakiin socodkayagu sidaa uma badna, wax walba sabab ha u noqotee, inbadan waxaan ka hadlay inaanan kursiga iska fadhiyin, reer miyi baanu nahoo in aanu miyaga wareegno, dhaqaalahayaga iyo itaalka dawladaba waad ka warhaysaan, wax badan oo aanu qaban lahayn ictiraaf la’aanta iyo dhaqaalo la’aanteen ayaa dib u dhigta socdaalkayaga dambe wuxuu ahaa Banan ku kala yaala Balligubadle iyo Saylac dhibaato ka jirtay ayaanu u tagnay, waxaan rajaynayaa in intii badnayd iska dhamaatay, inta kale go’aanka maanta(shalay) ayaa lanaga sugayaa oo dadka u iclaaminay kadib marka arrintaasi naga dhamaato oo uu si dhakhso u fulo ayaan rajaynayaa, dabcan wasiirka daakhiliga hadaanu meesha marayn, wax badan ayaa dhinaan lahaa, ninkaan idhaahdo shidaal keen, nimaan idhaado ciidan keen waa wasiirka daakhiliga, hada safarad aan ku baxay isagaan idhi waar cirka ka keen oo shidaal keen.

S. Wasaarada deegaanka safaradiinu ma mid aad dhulka la ootay ku baabi’inaysaan baa ?
J. Horta arrintan ka dhaxasay Balligubadle iyo Salaxley sababta hore ayay ahayd inaan go’aan ka gaadhno, aniga ayaa dib u dhigay, maxaa yeelay xagan Saylac waxaa jira todoba Jasiiradood oo aynu leenahay oo aad moodo bal in tii ugu waynayd ee Sacaadadiin oo ugaadhi ku nooshahay , dhir gaar ahina ka baxdo,in bal iyadoon cidna lala tashan ama hudheelo laga samaysto, ama meelo kale laga qaato, taas ayaa kaliftay in xagan aanu u baxno, iclaana ka soo bixino, dawlada dhexe cidaan ahayn inaanay bixin karin, degmana bixin karin, gobolna bixin karin, ugaadhina aanu soo eegno. Barkadihii uu turkigu samayey iyo kuwii ingiriisku sameeyey, way ka jajabeen oo ay ugaadhii baddii ka cabtay ka dibna dhimatay oo kontameeyo ka soo hadhay, qaylo dhaantaa ayaanu markii hore ku orodnay.
Reer miyigii oo cabanaya oo barkadihii loo sameeyey ciid baa oodaysa wakhtiga xagaaga ah, ceelkii laga cabi jiray ee la odhan jiray Ceel-gaal oo biyihii xumaadeen oo dhanaanaaday, dhibaatada halkaa ka jirta oo dhan ayaanu soo aragnay, waxaanu rajaynayaa itaalkasta dawladu ha lahaatee, cidkasta halala kaashato, bal in waxyaabaha wax laga qabto weeyi, ka warhayn ayaa muhiima.
Xaga waqooyiga(Hargeysa waqooyigeeda) anigu waxaan qabaa inaan ka gardaran nahay, waliba hadaanu wasaarada nahay,in badan ayay noo yimaadeen way qayliyeen, boqol iyo kontan oday ayaa noo yimid, aakhirkii markii ay qayladii dami wayday, waanu tagnay wasiirka daakhiliga, badhasaabka, wasaarada Reer miyiga, nimankaa go’aan baanu soo kala qaadanay,dad aad u wanaagsan oo rag iyo dumarba leh, si fiican ayaa naloo soo dhaweeyey , naloo marti qaaday, waqti badan naguma qaadan, waxay nagu yidhaahdeen niman yahay waanu dhacanahoo, xoolihii meel ay maraan ma hayno, meel ay daaqaan ma hayno, Ninkii Beer lahaana wuu fiday oo intaas oo higtar ayuu ku darsaday, dhulka waa la ootay, maalna laga ooday, dhulna biyihii baa ka socda, roobkii da’aa wuxuu raacayaa boholo ama wado gaadhi sameeyey, markaan soo duuduubo nimankaasi inay diyaar yihiin oo Xoog iyo xoolaba hayaan, diyaar ay u yihiin in laga baabi’iyo, waxay maraysaa inay noo yimaadaan niman daalan oo diifta ka muuqata aad yaabayso, oo ku odhanaya sahan baanu u ahayn oo geelayaga Xeebta u dhadhacaya, markuu soo noqonayo oo uu oogada ka soo noqonayo wadada uu mari lahaa way xidhan tahay, Buur oo dhan way xidhan tahay , sharcigu siduu dhigayo buuraha iyo dooxooyinkaba dawladaa iska leh, markaa nimankaa waxaanu ku heshiinay 14 maalmood oo ku beegan 17 july bishan aynu ku jirno aanu hawshaa la dhamayno.

S: Waxaanu maqalnay inaad hawshii kala badh aad reer miyigii saarteen,oo hawshii qayb dhan saarteen, taasi miyey jirtaa.?
J: Waxaanu soo balan qaadnay in boqolkiiba kontan kharashkii bixiyaan, anaguna boqolkiiba kontan bixino dawlada Somaliland-na inay intii kala bixiso, gaadiidka, Ciidanka, Shidaalkii iyo waxyaabo badan, waxay diyaar u ahaayeen in kharashka oo dhan la saaro.
S: Dhanka dhuxusha, waxaa aad u soo batay in dhirta la shidaayo, kuwaa dhirta shidaaya qaarkood waxay ku doodayaan inay liisan u haystaan, arrintaas maxaa horumar ah oo aad ka samayseen?
J: Liisan waanu bixinay, waayo degmada aan anigu ka imid ee Xudun la yidhaahdo dhuxul ayaa lagu shitaa, maxaa yeelay xaabadii way fogaatay, walina maanu helin waxaanu ku badalno, markaa dhuxusha cid waliba way keeni jirtay, imikise laba iskaashato ayaanu ka dhignay, labadaas oo qudha ayaa liisan haysta, inta la helayo wax lagaga maarmo, Burcana mid baanu ka dhignay, Berberana mid ayaanu ka dhignay , waanu soo koobnay, balse wax lagu badalo ma hayno, waxaan I garab yaalaa waa shoolado, dawladu waxay isku raacday in shooladaha iyo gaasta la jabiyey dadka loo qaybiyo, nasiib wanaag Madaxweynaha waxaa uu dhagax dhigay warshadii dhuxul dhagaxda lagu samaynayay, haddii warshadaasi inoo hagaagto geed dambe oo la shidayaa ma jirto.

S: Si loo yareeyo dhirta la jaraayo, ka waran haddii iskaashatada aad liisanka aad siiseen haddii aad ku qasabtaan inay markay geed gooyaanba, mid kale beeraan ?
J: Horta sanadkii waxaanu bixinay toban kun oo geed, in dhulka laga beero, tuulo kasta ee doonaysa, Cisbitaalada, Ciidamada meel walba miyi iyo magaalaba cidii doonaysaa inay dhir beerto ayaanu siinaa sanadkii, oo markii hore waxay ahayd 5ta june oo ahayd maalinta deegaanka ee aduunka, laakiin maadaama uu roobkii maalintaa inaga jeestay, waxaanu u rarnay 15 April.
Mida kale waxaynaan haynin inaynu isku sheegno maaha, geed waynu goyn naqaanaa , geedse ma beerno, waxaanu hada maraynaa in aanu nidhaahno marka 10 geed oo galool ah u timaadaan, lix geed shita, afarna iska dhaafa ayaanu ku bilownay, maantase dadkii baa usoo jeestay oo waxaa jira dhul dadkii deganaa diideen dhuxusha ayaa jirta.

S: Wasaarada deegaanku waa wasaarad balaadhan, imikana waxaad ka cabanaysaa dhaqaale yaraan, markaa miyaad marka miisaaniyada la sameenayo u gudbisaan dhaqaale yaraanta idin haysata?
J: Wax badan ayaa la qabsan lahaa hadii dhaqaale la haysto, horta wasaarad balaadhan ayaanu nahay, qaar ayaa u haysta Wasaarad aan macno lahayn, hadaanu nahay Reer miyigii, ugaadhii, daaqii, bay shaqo ku leedahay, degmo walba hada badi waa naloo joogaa, kuwa ugu shisheeya Laas- Qoray, Badhanba waa naloo joogaa.
Waxaa nasiib daro ah in Hay’addi UN-ta u shaqada lahayd deegaanka ayna wali inoo iman, haddii hay’adaasi timaado hay’ado badan oo waaweyn ayaa ku soo xidhmaya.

Top


Muran Xoog Leh Oo Ka Taagan Laba Nin Oo Ciidamada Mbagathi Dil Ku Fuliyeen

Muqdisho, July 8. 2007 (Haatuf) – Laba nin oo midkood ciidamada Imbagaati hore uga tirsanaa iyo nin kale oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa maalintii Khamiistii ina dhaaftay, ciidamada Imbagaati meel fagaare ah ku toogteen, ka dib markii lagu eedeeyay inay dileen laba nin oo ka tirsanaa ciidamada Imbagaati.

Odayaal dhaqameedyo ka tirsan beesha ragaas la dilay ayaa warbaahinta u sheegay in dilka labadaas nin uu ahaa sharci daro.

Wakiilka Ugaaska beesha Saleebaan Habar-Gidir ugaas Cali ugaas Daa’uud ayaa sheegay in dilka loo geystay labadaas marxuum uu ahaa mid sharci daro ah oo aan waafaqsanayn shareecada Islaamka iyo qaynuunka caalamiga midnaba, dilkooduna waxa uu noqon doonaa mid lagala xisaabtamo cidii geysatay.

Ehelada labada nin ee xukuumada Imbagaati dilka ku fulisay ayaa ku eedeeyay xukuumadu inaanay ragaas wax maxkamada aan la marin, maadaama ay ahaayeen dad shiciba waxay ahayd in maxkamad furan la hor keeno si ay isu difaacaan, isla markaana eheladoodu ay u dhegaystaan, waxananu u aragnaa in qaabka dilkaasi u dhacay uu ahaa mid qabyaaladeed, waxaana wax lala yaabo noqotay dad rayid ah in la yidhaahdo waxa xukuntay maxkamad milatari, arrinkana waxanu gaadhsiinay madaxweyne C/llaahi Yuusuf waanu na diiday inuu arrintaa nagala kulmo, sidaa waxa yidhi Cali Ugaas.

Top


Radio Hargeysa Oo Habeen Hore Warka Koowaad U Qaatay Xayeysiis Sigaar, Habeen Saddexaadkiina Mudaharaad aan jirin Baahisay

Hargeysa, July 8, 2007 [Haatuf] – Idaacadda ay xukuumaddu gacanta ku hayso ee Radio Hargeysa ayaa warkeedii koowaad ee habeen hore u qaadatay xayeysiis Sigaar, taasi oo ahayd wax laga naxo, waayo xataa shirkadaha soo saara tubaakada sigaarka ayaa dusha kaga qora iska ilaali khatartiisa, laakiin Idaacada Radio Hargeysa halkii ay dadka uga digi lahayd khatarta tubaakada ayay warka koowaad ka dhigatay xayeysiiska tubaakada.

Sidoo kale, Idaacadda Radio Hargeysa habeen saddexaadkii waxay warka koowaad u qaadatay mudaharaad ay sheegeen inuu ka dhacay magaalada Oodweyne oo lagala horyimid wefti ka socday ururka Qaran oo uu hogaaminayay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, hase yeeshee warkaas markii aanu baadhnay waxa aanu soo xaqiijinay inaanu haba yaraatee wax mudaharaad ahi ka dhicin Oodweyne, xataa laba qofna ha ahaatee. Taasi darteedna waxay xaqiiqdu iskugu soo biyo shubatay inuu warkaasi ahaa been abuur ay dhoo-dhoobeen Idaacadda Radio Hargeysa. Iyada oo weftiga Qaran ee uu hogaaminayo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose si balaadhan loogu soo dhaweeyey Oodweyne.

Xayeysiiska Sigaarka ee ay Radio Hargeysa warka koowaad u qaadatay waxa uu ahaa war laga soo diray magaalada Burco oo ku saabsanaa bakhtiyaa-nasiib ay dhigtay shirkadda Sigaarka iibisa ee MSG, iyada oo ujeedada ay shirkadaasi u samaynaysay bakhtiyaa-nasiibka uu ahaa suuq gelinta sigaarka ay ka ganacsato.

Top


Radio Hargeysa: Ceebtii Shalay, Xaaladda Maamul-xumo Iyo Tacadiga Shaqaalaha

Hargeysa, July 8, 2007 (Haatuf) – Idaacadda ay xukuumaddu gacanta ku hayso ee Radio Hargeysa ayaa shalay baahinteedii subaxnimo dib uga dhacday xilligii ay hawada geli jirtay, sidoo kale 2:21 duhurnimo ayay hawada ka baxday mar qudha, waxayna dib ugu soo noqotay 2:30 duhurnimo.

Sida looga bartay idaacadda Radio Hargeysa waxay baahinteeda subaxnimo hawada soo gashaa 6:30, hase yeeshee maalintii shalay waxay hawada soo gashay 7:15 subaxnimo, waxaana taas sababtay kadib markii uu damay mishiinka korontada (dabka) ee ay idaacaddu ku shaqayso, waxaana la sheegay inay mishiinka cilad weyni ku timi, taasina waxay keentay khalkhal soo food-saaray baahinta idaacadda.
Sida la sheegay idaacaddu waxay lahayd laba mishiin, laakiin mid ka mid ahi hore ayuu u fadhiistay oo muddaba ma shaqayn, waxaanu u fadhiistay cilado xaga farsamada ah oo soo gaadhay. Sidaas darteed waxa la sheegay in in muddo ahba ay idaacaddu isticmaalaysay mishiinka labaad oo isna la sheegay inuu aad u daalay, kadibna uu subaxnimadii shalay markii la shidday uu isna mar keliya dam yidhi, waxayna maamuleyaasha idaacadda dantu ku khasabtay inay mar kale dib u xanjo-xanjeeyaan mishiinkii hawl-gabka ahaa ee aan muddada shaqayn, kaas oo marba damaya.

Markii uu bakhtiyay mishiinkii keliya ee meesha yaalay, baahintii idaacadduna ay hawada ka baxday ayaa maamulka sare ee idaacaddu isku yaacyaaceen, kuna hambaabareen mashiinka muddada daallanaa ee bakhtiyay, waxase la sheegay inay mid ka mid ah farsamo-yaqaanada mishiinka ku eedeeyeen inuu cilladeeyay mishiinka kadibna la xidhay, oo loo dhaadhiciyay saldhigga bileyska ee Daloodho. Hase yeeshee markii la baadhay arrinta waxa la sheegay in wax dambi ah lagu waayey ninka la xidhay oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi-qaadir Cilmi Ducaale, balse la doonayo in fadeexadda maamul-xumo ee meesha ka dhacday cid uun dusha laga saaro, ciddiina ay noqotay Cabdi-Qaadir Cilmi oo weli arrintaas u xidhan.

Qaar ka mid ah shaqaalaha idaacadda Radio Hargeysa, ayaa u sheegay masuuliyiinta ku hawlanayd baadhista fadeexadda dhacday inay jirtay mu’aamarad ay maleegayeen Agaasimaha Waaxda Farsamada idaacadda iyo ninka Makaaniga ugu qoran Miishanada Idaacadda, kuwaas oo la sheegay inay yidhaahdeen mishiinka ciid baa lagu shubay, waxaana ku shubay Cabdi-Qaadir Cilmi Ducaale oo ah farsamayaqaan daara mishiinka, taas oo la sheegay inay been-abuur ahayd, sababtoo ah waxaa la sheegay inay idaacaddu maalintii dorraad tiraba laba jeer hawada ka baxday kadib markii uu bakhtiyay mishiinkaasi.

Waxa kale oo ay warar xog-ogaal ahi sheegeen in mu’aamarad tanoo kale ah toddobaad ka hor shaqada lagaga eryay makaanigii mishiinada idaacadda oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Kuus, waxaana ninkan shaqada laga eryay markii ay maalin maalmaha ka mid ah shidaalka daadisay tuunbo ku xidhnayd mishiinka oo shidaalka siinaysay, kadibna ciladaas waxaa si cadaaladda ka fog loogu sadqeeyay Cabdi Kuus oo muddo dheer u soo shaqaynayay.

Kooxo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ayaa maalintii shalay wasiirka Warfaafinta xafiiskiisa ku booqday si ay wax uga weydiiyaan xaaladda idaacadda, hase yeeshee wasiirku wuu diidday inuu la kulmo weriyeyaasha, wuxuuna askarta ilaalada idaacadda ku amray inay dibadda u saaraan weriyeyaasha soo galay kaanboolka idaacadda.
Sidoo kale mar aanu wasiirka Warfaafinta telefoon kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino arrinta idaacadda ka dhacday, wuu iska diidday inuu ka hadlo, telefoonkana wuu dhigay.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen inay kooxo ka mid ah shaqaalaha iyo weriyeyaasha Radio Hargeysa aanay muddo saddex bilood ah wax mushahar ah qaadan, lamana ogga sababta.

Wasiirka Warfaafinta Axmed X. Daahir Cilmi, markii uu la wareegay xilka wasaaradda waxa uu inta badan shaqadii ka eryay weriyeyaashii waaweynaa ee Radio Hargeysa, iyadoo qaarkood lagu eryay su’aal ay Madaxweynaha weydiiyeen, halka qaar kalena lagu eryay xijaab ay soo xidheen, kuwaas oo ahaa gabdho.

Weriyeyaasha iyo shaqaalaha laga eryay wasaaradda Warfaafinta bilihii ina dhaafay, waxay tiradoodu gaadhaysaa dhawr iyo labaatan. Hase yeeshee waxay warar xog-ogaal ahi sheegeen inay ilaa iyo hadda mushaharooyinkii shaqaalaha la eryay ku soo dhacaan khasnadda wasaaradda Warfaafinta.

Waxa kale oo la sheegay in tirada gaadiidka ay iska leedahay wasaaradda Warfaafintu gaadhayso ilaa toban gaadhi, hase yeeshee shan ka mid ah gaadiidkaas oo ay masuuliyiinta sar-sare ee wasaaradda Warfaafinta iyo Idaacaddu gaar u wataan mooyaane, ay intii kale dayac-tir la’aan u istaageen, taasina ay keliftay in weriyeyaasha iyo shaqaalaha idaacaddu, gaar ahaan gabdhuhu habeen lug ku tagaan guryahooda iyadoo shaqaalaha qaarkood xaafadahoodu aad uga durugsan yihiin xarunta idaacadda Radio Hargeysa.

Arrimahaas iyo waxyaalo kale oo badani waxay muujinayaan xaaladda maamul-xumo ee hadhaysay idaacadda ay xukuumaddu gacanta ku hayso iyo wasaaradda Warfaafinta, iyadoo wasiirka Warfaafintu Axmed X. Daahir lagu tilmaamo nin si weyn uga idaad haysta aqalka Madaxtooyada, taasina ay tahay sababaha uu ugu dhiiraday tacadiga uu sida joogtada ah ugula kacayo shaqaalaha Warfaafinta tan iyo maalintii uu xilka la wareegay sannadkii hore.

Top


Wakiilada Oo Guda Galaya Doodda Wax Ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Doorashada Golaha Degaanka, Oo Kuraas Looga Qoondeeyay Haweenka Iyo Dadka Laga Tirada Badan Yahay

Hargeysa, July 8, 2007 (Haatuf) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii shalay loogu qaybiyay nuqulka waxka badalka iyo kaabista xeerka doorashada goalaha degaanka xeer No 20/2001/ oo ajandaha kalfadhiga 4aad ee goalah lagu soo daray, balse ay 25 mudane oo golaha ka tirsani ay mooshin ku soo jeediyeen gudagalka dooda wax ka badalka xeerkaasi doorashada golaha deegaanka, kaas oo ay gudida arrimaha guduhu isbadal ku soo sameeyeen, qaabka ay doorashada golaha deegaanku u dhacayso iyo in saami go’an laga siiyo kuraasta haweenka iyo dadka lga tirada badan yahay.

Fadhigan shalay oo uu gudoominayay ku simaha gudoomiyaha golaha wakiilada isla markaana ah gudoomiye ku xigeenka koowaad Md Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa waxa uu ugu horayn madashaasi ka akhriyay magacyada 25 ka mudane ee mooshinka guda galka dooda wax ka badalka iyo kaabista xeerka doorashada golaha deegaanka soo jeediyay. Intaa ka dibna waxa golaha warbixin ka siiyay isbadalka xeerka ay ku soo sameeyeen gudoomiyaha guddida arrimaha gudaha ee golahaasi Md Siciid Cilmi Rooble oo ay gudidiisu wax ka badal iyo kaabid ku soo samaysay xeerka isla markaana ay fikirka mooshinkiisa iyagu iska lahaayeen.

Gudoomiyaha gudida arrimaha guduhu iyagoo faah faahin ka bixinaya noqulka wax ka badalka xeerka doorashada golaha deegaanka ay ku soo sameeyeen waxa uu yidhi, “ horta nuxurka wax ka badalka xeerkan aanu ku soo samaynay waxa ugu wayn, laba qodob oo kala ah, qodobka 22aad ee xeerka doorashada golaha deegaanka oo tilmaamayay habka ay doorashadu u dhacasyo oo ahayd mid dadban, waxaanu u badalnay in doorashada golaha deegaanku ay u dhacdo habka doorashada ah ee (One Man, One Vote) taasi oo la mid noqonaysa habkii doorashada golaha wakiilada loogu soo tartamay, iyo saamigii ay xisbiyadu u kala qaateen deegaanadii bariga Sanaag iyo gobolka Sool ee aanay doorashooyinku sida tooska uga dhicin,
Dhinaca kale waxaanu isbadal ku soo samaynay qod 2aad oo aanu ka dhinay in xisbi kastaa kuraasi mucayina uga qoondeeyo doorashada golaha deegaanka haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay, oo doorashooyinkii hore ee deegaanka aan wax saamiya oo kuraasiya ka helin, gobolka Hargeysa waxaanu u xadidnay in shan kursi looga qoondeeyo 25ka kursi, oo afar ka mida la siiyo haweenka hal kursina la siiyo beelaha laga tirada badan yahay, 20ka kursi ee kalana doorasho toosa loo galo, degmooyinka derajada waxa looga qoondeeyay (A) 4 kursi, saddex kursi haweenka, 1 kursina beelaha laga tirada badan yahay, deegmooyinka darajada (B) iyo (C) waxa looga qoondeeyay 3 kursi haweenka, 1 kursi dadka laga tirada badan yahay.

Kuraastaasi loo xadiday waxay xisbiyada iyo ururadu u kala qaadanayaan wadarta guud ee tirada codadka ansaxay ee degmada ay ka kala helaan, waxa kale oo aanu iyagana kaabid ku soo samaynay qod 25aad ee dabaajiga lacageed ee laga qaadayo musharaxa doorashada madax weynaha isu taagaya oo laga dhigay 5, 000,000 milyan oo Shiling, musharaxa doorashada golaha deegaanka 5,00, 000 S/shilling.

Qod 5aad ee shuruudaha codbixiyaha doorashada waxaanu ku soo darnay inuu codbixiyuhu ka diiwaan gashan yahay goob codbineed, haystana kaadhka codbixinta, si waafaqsan xeerka jinsiyada xeer No 22/2002”.

Gabagabadii fadhigaasi ayuu kusimaha gudoomiyuhu Md Cabdi Casiis M. Samaale waxa uu sheegay in fadhiga maanta uu goluhu ku guda gali doono dooda waxa ka badalka iyo kaabista xeerka doorashada, golaha deegaanka, maadaama uu kalfadhiga ajandahana uu kamid ahaa qodobada ku sii jiray.

Top


Tacadiga Ay Masuuliyiinta Iyo Maalqabeenadu Kula Kacaan Dadweynaha
Xadhigii Mujaahidka Safarka Ah Cabdi Kurtin Mandheera Ugu Diray

Qaybtii 21-aad

M. Amiin

Iyada in muddo ah aynu ku kala maqnayn barnaamijkii taxanaha ahaa ee tacadiga, isla markaana aanu idiinku maqnayn xogo iyo macluumaad la xidhiidha, waxa aanu maanta halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybtiisii 21-aad.

Sideedaba tacadiga waxa sameeya qof awood dhaqaale amaba xileed leh, oo dulmi u geysta qof markaasi ka awood yar amaba aan iska difaaci karin awooda loo adeegsanayo.
Qaybtan maanta waxa aynu ku soo qaadan doonaa magacyada liiskii bishii June ay guddida nabadgelyada gobolka Hargeysa xabsiyada dhigeen, ee loo diray jeelka Mandheera.
Sida ku cad warqad uu guddida Nabadgelyada u soo diray, taliyaha xabsiga Mandheera Muuse Abokor Qoorsheel, ugu yaraan shan qof oo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan ayaa ku jiray waqtiga uu warbixinta soo diray taliyuhu jeelka Mandheera, oo ahayd 02/06/2007, kuwaasi oo aanay guddida nabadgelyadu xukun ku ridin, balse rumaan ahaan halkaasi loo geeyay.

Shaxdan hoose waa liiskii shantaasi qof iyo mid walba waqtigii loo gudbiyay Mandheera.
SN Magaca oo saddexan DDL EEDA T/Xadhiga
1 Axmed Xaashi Jaamac 5/28/05 Khal-khal gelin 02/03/005
2 Jaamac C/laahi Yuusuf 5/28/05 Khal-khal gelin 02/03/005
3 C/Kariim Axmed Aadan 6/20/06 musixir 07/06/006
4 C/Xakiim Axmed Ismaacil 16/10/06 Tuugo 16/12/006
5 Ibraahim Faarax Cali 7/0.4/1/07 70 geel ah 28/01/007

Liiska magacyada ahi waa inta ay guddida nabadgelyada gobolka Hargeysa rummaanka ugu direen jeelka Mandheera, waxaanay iskugu jiraan sida ku cad taariikhda xadhigooda laba sannadood, sannad, todoba bilood iyo lix bilood.
Dadkani sida muwaadiniinta kale ee reer Somaliland waxay xaq u leeyihiin inay helaan garsoor dhex ah, oo la horgeeyo, isla markaana lagu cadeeyo dambiga loo haysto ama lagu waayo, laakiin akhriste haddii aad ogolaato xadhiga xaaraanta ah ee lagu hayo muwaadiniintan, dabcan adigana beri ayay ku huran tahay.
Way adagtahay in aan xog ku filan idinka wada siiyo dhammaan dadkani, hase yeeshee si aad kiisaskooda wax uga ogaato, bal aynu soo qaadano ka ugu muddada yar Ibraahim Faarax Cali.

Sida ay noo sheegeen eheladiisu, Mr. Faarax waa nin da’ ah oo ku jira dabayaaqadii 70 jirkiisa. Noloshiisii dhalinyarnimada wuxuu ku qaatay halgankii ay xoogagii ururkii SNM la galeen kelidii taliyihii dadka reer Somaliland xasuuqa iyo xad-gudubyada bani’aadminimada ka baxsan kala kulmeen. Intii uu halgankaasi ku jirayna muu guursan, wuxuuse markii ugu horeysay guursaday 1991-kii ee mucangagii Maxamed Siyaad Barre laga xoreeyey ciida Somaliland, sidaasi darteed inankiisa ugu weyni waa 15 jir.
Mujaahidkani ma laha walaal la dhashay, waxaana cid ugu xiga inaadeerkiisa afraad, raaska uu ka dhashay sidaa uma badna waa sida ay ehelkiisu noo sheegeen’e.

“Maadaama oo aanu lahayn ilmaadeer u dhaw oo lagaga cabsoodo iyo walaal iyo wiil is-garab taaga, ayuu Cabdi Kurtin mag aan lagu lahayn ugu soo xidhay bishii January ee sannadkan, ka dib markii uu ka soo qabtay istaanka gaadiidka Hawdka Hargeysa u baxa jooga, isaga oo doonaya inuu reerkiisa oo uu hawdka miyiga Hargeysa uga soo safray. Laakiin nasiib darro, ninkan magaciisa la yidhaahdo Cabdi Kurtin ayaa soo xidhay, ka dibna safar uu reerkiisa u geeyo iska dhaaf’e wuxuu ku eedeeyey in lagu leeyahay mag lagu kala hagaagay oo dhexmartay reer kale oo aanu isku qolo ahayn, isaga oo uga dan leh, nin waalaa oo isaga iyo Mujaahidiin kale oo gaadh haya sannadkii 1982-kii SNM-ta inta uu Faqash iskaga soo dhigay ku yidhi habeen madaw “Qudhmiseey is-dhiiba”, ka dibna ay mujaahidiintii gaadhka haysay rasaas ku fureen, markii dambena la yidhi tii Mujaahid Faarax ayaa ku dhacday, dabadeedna markii tolkii iyo dadkii is-arkeen la yidhi xilli mag la kala qaato lama joogo, haddana markii dambe ee dalka la soo galay ayaa la isku soo noqday, waxaana la yidhi xaaladii halgankii bay ahayd ee mar haddii tol la yahay ha la iska dhaafo boqolaal kale ayaa sidaas oo kale inooga dhintay’e, balse Mujaahid adeerkay Mujaahid Faarax wuxuu ku adkaysanayay in magta la bixiyo, taasise ma suurto gelin, balse aakhirkii waxa la yidhi reerkii uu ka dhashay ninkii hala siiyo sideetan kun oo shillinkii hore ee Somalia ah oo samarsiis ah, sidii baana la yeelay, inkasta oo aanu Mujaahid Faarax ku qanacsanayn, laakiin dheg’ee jalaq looma siin oo Cabdi Kurtin laftiisa ayaa ka mid ahaa raggii Mujaahid Faarax aragtidiisa in magta la wada bixiyo ahayd kaga soo horjeestay. Laakiin nasiib darro muddo dabadeed ayaa saddex nin oo uu ku jiro Cabdi Kurtin walaalkii ay qoladayada ka dileen reerkii ninkii ay rasaastu kaga dhacday Mujaahidka adeerkay ah, ka dib markale la isku soo noqay, waxaana lagu heshiiyay in magtii ninkii hore saddexda nin ee ay naga dileen midkood la isku tuuro magtiisa, labada kalena ay bixiyaan. Sheekadaasina halkaasi ayay ku dhamaatay magihiina waa la kala qaatay, laakiin nasiib darro Cabdi Kurtin waa kaasi adeerkay oo safar magaalada ku yimid istaanka ka qabsaday, cid walibana way ugu tagtay arrintaasi oo rag kala duwan oo Reer Sheekh Isaxaaq oo dhan ah oo waliba ay ku jiraan qolada uu Cabdi Kurtin ka qabaa ay ku jiraan ayaa ugu tegay arrinka adeerkay, laakiin Cabdi Kurtin taasi uma dhadhamin oo isagu ma garanayo halgan iyo wax kale toona, balse isaga dalkaa loogu yimid oo waxaabu malaha isleeyahay haddii aad adigu u taliso raggii soo halganka u soo galay, sidaad doonto ka yeel kan aanay jirin cid kaaga daba timaadaa kanuun ha u xidhnaado dhimashadii walaalkaa…….”. sidaa waxa ku tiraabtay Tiriig Axmed oo uu adeer u yahay Mujaahid Ibraahim Faarax Cali oo haatan ku xidhan jeelka Mandheera, markii uu Cabdi Kurtin soo xidhay bishii January ee sannadkan, isla bishaasi ay guddida Nabadgelyadu ugu rumaan garaysay Jeelka Mandheera.

Markii ugu dambaysay Cabdi Kurtin waxa uu joogi jiray saldhiga dhexe ee Hargeysa, haatanse wuu ka dalacay, waana taliye ku xigeenka Qaybta Bileyska Gobolka Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, Mujaahidkani waxa uu ka mid yahay boqolaalka muwaadiniinta ee iyada oo aanay maxkamadi xukumin jeelasha dalka iyo saldhigyada bileyska ku xidhan.

Mar aanu kiiska Mujaahid Ibraahim Faarax loo haysto wax ka weydiinay Taliye Cabdi Kurtin waxa uu ku jawaabay “Ha I weydiinin aniga arrintan, cidii kuu soo sheegtay weydii, imika bax, waar hala saaro ninkan iwm”.

Sidoo kale, Taliyaha Qaybta galbeedka Gobolka Hargeysa Aadan Guun oo isaguna ka tirsan Guddida Nabadgelyada ee rumaanka u dirtay Mujaahidka oo aanu isagana wax ka weydiinay ayaa ku gaabsaday “Adeer ninka Maxbuuska ah anagu ma hayno, haddii aanu halkan [saldhiga dhexe] ku jirin annagu war uma hayno ee Asluubta weydii”
Haddaba, akhristow isweydii, intee in le’eeg ayaynu sii eegan karnaa inaynu xaaladan ku jirno. Mase la odhan karaa, waxa la gaadhay waqtigii aynu dulmiga diidi lahayn ee aynu madaxdeenu marka ay dunuubta noocan oo kale ah galaan loo ciqaabi lahaa?
Ama ha dhawaato ama ha dheeraato’e waxa iman doonta maalin ay madaxdeena maanta dulmiga iyo tacadiga inagula kacda, amaba shalay u adeegtay kuwii ina xasuuqayay la horkeeni doono cadaaladda, isla markaana lagu ciqaabi doono dambiyada ay galeen.

Nasiib wanaagna qodob dastuuri ah ayaa damaanad qaadaya in tacadiga lagula kaco muwaadiniintu aanay muddo dhaaf lahayn, oo xataa hebel oo dhintay ay maxkamadi ku xukumi karto inuu ahaa dambiile geystay tacadi. Laakiin waxa inaga maqan oo aynu u baahanahay inay baarlamaanka aynu dooranay sameeyaan xeerkii lagu ciqaabi lahaa masuuliyiinta ku kacda xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha.

La soco xogo kalena

 


DALJIRE: “Maqan Baan Dhigay”

Qore: A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe: Allaylehe dadkii reer Hargeysa ee wacnaa ee Madaxweynaha is yidhi soo dhoweeya waxbaa ku dhacay.
Doolaal: Hee. Maxaa ku dhacay?
Dubbe: Dee mar hadduu Ina Rayaale yidhi sacabkan yar ee xun ee dariiqyada la taagan tihiin waaban shuufay ee uf. Oo uu kooxo durbaano sita ka soo kaxaystay Boorame, muxuu kaga tegey? Bal iyagoon inuu wax taroba ka doonayn ayay weliba sacab ugu daraya oo weliba siigada gawaadhidiisa dheeraynaysa liqaya ayuu taa ku samaynayaa. Allaylehe abaalkood baa helay. Haddaba shicib yahow wanaagsani miyaa laga yaaba inaydin mar dambe itaydin laba lugood is daba dhigtaan oo cadceedda safaf dhaadheer is taagtaan u codaysaan ninkaa? “qofka aan quusan naftiisaa quus ah.” ayaa hore loo yidhi.
Mase laga yaabaa inaydin dhegeysataan Wasiir reerkiinna ah oo idin leh ninkan lixda sanadood dalka xukumayay wax-qabadkiisii ama wax-qabadla’aantiisii ha eegina oo ha kula xisaabtamina ee wasiirnimo ayuu innoo oggolyahay ee doorta. Iyo haddii nimaan isaga ahayn la doorto oo beelaha kale ah waa lays dilayaa. Iyo beel heblaayo oo xukunka qabata waxa inoo dhaama Ina Rayaale oo haya?
Doolaal: Waar muxuu ku hadlayaa? Waar iminka yaad u khudbadaynaysaa? Ma olole doorasho ayaad ku jirtaa? Inaynu qayilayno miyaad illawday? Waar koox fannaaniina oo meesha qurxinaysay bay ahaayeen ee waxan aad shubaysaa ma jiraan. Iyagaa isa soo abaabulay.
Dubbe: Kuwee? Iga walla waxay ahayd dhaadasho iyo dhoolla tusad. Waar halkaasuu la marayaa ficiltankii iyo qabyaaladdii. Bal yuu la ficiltamayaa ma dadkii kursiga saaray?
Beyahan miyaanad dareemin? Imisaan kuu sheegay? Haye. Iminkana haddaba siduu ku socdo ciidan koofiyadcas ah oo reer Awdal sooc ah oo golxad iyo gundhati xidhan ha keeno madaxtooyada. Berigii hore ee uu sidan dhaamay ee aanu mijo-roorka ka dhaansan lama ogaan jirin wax u yimi iyo wax kale.
Sidoodabana reer Awdal haddaan la kicin dad sanqadh iyo qaylo badan ma aha. Dad i maqlaay i arkaadana yaqaan ma aha. Nin ay sheekaysteen berigaa hore nin Ilaalada Madaxtooyada ah ayaa iiga sheekeeyay. Wuxuu yidhi “waar meeesha cid badani uguma timaaddo ninka ee mar mar baa gaadhi MarkII ahi isa soo taaga markaasay ka soo degaan oo yidhaahdaan. “Haw ma joogo?” markaasaanu nidhaa. kuma? Markaasay yidhaahdaan. “Daahir dee. Xaafaddaan nahaye.” Markaa dad xasarad leh may ahayn.”
Waar taan hayayba illaabay eh anigoo isle u sheeg gaadhi waddada ku qallibmay ayuumbaan markaan ku arkay kooxdaa xusuustay.
Doolaal: Halkuu ku dhacay? Waxse ma lagu noqday?
Dubbe: Waddadaa Berbera ayuu ku dhacay baa la yidhi laakiin dhaawac fudud ayuumba la sheegay. Sideedaba dadkeenu nabadgelyada gawaadhida khalad bay ka fahamsan yihiin. Gaadhigan ballaadhan ayuumbay arkayaan ee uma fiirsadaan intay dib uga durkaan inuu gebigiisuba taako iyo badh in le’eg ku taagan yahay. Bal shaagga eeg. Waa taako iyo badh. Markuu dhaqaaqo ee xawli ku socdana waxay noqotaa taako nuskeed. Markaa gaadhigu cagaba dhul kuma hayo ee dadku waxay ku xisaabtamaan baaxadda gaadhiga. Waar shaagga eega oo qunyar socda.
Doolaal: Ninyow waa runtaaye umaan firrsanba ee show bahalku dhulkaba inyar buu kaga taagan yahay. Waar intaa yaa kuu sheegay maanta? Horta anigu mid gaala oo aan beri raacay ayuumbaan ka maqlay “speed kills.” Oo macnaheedu yahay xawliga dheeri waa dilaa.
Dubbe: Cidda ii sheegtay iska daayoo. Ka warran farriintii Wasiirkii Etoobiyaanka ahaa. Maxaa laydinka saxeexay?
Doolaal: Oo kaa ma warbaa ku hadhay? Sawtii warsaxaafadeedka laga soo saaray.
Dubbe: Oo waxaa tidhaahdaan ama soo qortaan ma cidbaa rumaysata? Waanu iska amusnaa idin dhegeysanaa uune. Arrintiinu waa “warqaddii maqnayd baan dhigay.” Anaguna waanu yaabnaa uun. Intuu yaab naga soo reebi?
Doolaal: Waa maxay warqadda maqani?
Dubbe: Reer miyiga, weliba geeljiraha ayaa waayadii dambe turub bartay. Markaasay faraqa ku qaataan. Waxa ka lunta mid waraaqihiisa ka mid ah ama ka jeexjeexanta. Ka dib markay ciyaarayaan ayay illayn korka ayay ka hayaane yidhaahdaan. “warqaddii maqnayd baan dhigay.” Iminka waxa dadka la barateen jawaabo isku mid ah oo aan macno lahayn. Waa nimankiina yidhi wasiirku wuxuu u yimi inuu Madaxweynaha u sheego farriintii Meles oo ah inuu cilaaqaadkeenii sidii hore yahay. Berigaa idinku odhan jirteen Meles wuxuu yidhi baaba intaa dhaanteen. Iminkaa tiiyoo farriin ah noo sheegteen.
Maalintii dhoweyd ee uu Madaxweynuhu Meles isla sawiray maxay is yidhaahdeen. Isna ma gaal Jarmal ah buu ahaa oo wershed sibidh bay ka wada hadlayeen?
Waar waxa jira dadka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn xisbiyada qaranka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn. Golaha Wakiilada u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn. Guurtida u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn Labada Shirguddoon ee Baarlamanka u sheega. Oo haddaydaan u sheegayn ninkaa aad tidhaahdeen Oomane ayaa la yidhaahdaa ee idiin eexda u sheega.
Doolaal: Xukuumadda iyadaa la doortay oo maamulka iyo siyaasadda debedda ka masuul ah oo cadaw badan baynu leenahay. Markaa lama sheegi karo wax walba.
Dubbe: Waar cadawna garan maysaan cadyow miidhani. Waxba haw sheegina haddaad rabtaane wax yar baaba iskaga keen hadhaye. Ninka Oomane ee Maxkamadda sare ee Mujaahidka ahaa sawkii Ina Rayaale labada casho jawaabta ku siin jiray. Jawaabtii Golaha Wakiilada muxuu la qabanayaa?
Doolaal: Maxkamaddu jadwalkeeda ayay ku socotaa cidina ma dedejin karto cidina dib uma dhigi karto.
Dubbe: Dee mayee hayla yaabine. Maxkamadduu kiisaskii mucaaradku geystay 2003dii weli kamay jawaabin. Ina Rayaalena wuxuu weydiisto intay degdeg uga jawaabaan ayay weli u raxeeyaan oo u wafeeyaan oo qaar aanu weydiisan ugu daraan. Ma dawbaa taasi?
Bal haddaba garannay oo Guddoomiye Faysal waxaad tidhaahdeen wuu xanuusanayay. Kii ka horreeyayna waxbaad ku sheegteen. Qaadigiina waa la ogaa oo waxan la hadal hayo kuma jirin isagu. Haddaba ninkan Mujaahidka ahaa ee berigii halgankii buugga yar sidan jiray ee qodob baa la jebiyay wadnaha dadka ku caddeeyey iminka muxuu qodobaddii u arki waayay? Muxuuse caddaaladdii isaga indha tirayaa? Waar mujaahidka Illaahay ka yaab dhaha oo dadka u xaqsoor oo sheeg waxaad u dhaarin weyday shanta xubnood ee Komishanka Doorashooyinka qaranka. Mujaahid “baqaa bari ka row.”
Doolaal: Eebaheenow muxuu kolba meel isku qaaday. “maxaan waraabow uuuh kaa maqlay.” Buu yidhi ninkii jiray. Maxaa iminkana arrimaha maamulka maxkamadda ku geliyay?
Dubbe: Aan kuu daayaba eh waydinka yidhaahda “jaarkaaga Illaahay baa kuu doora.” Ee maxaa Djibouti u hambalyayn weydeen sannad guuradeeda 30aad? Haddaad xukuumadda collowdeen shicibka miyaad collowdeen?
Doolaal: “Kaba tolow ma halkaasaad ka kudday?” ayaa la yidhi. Halkaad inala martay haddana?
Dubbe: Waar kiiska hayska waaline waataa markaa macawisaha aydin ka arradi weydeen ee weli masaajiddada ku timaaddaan ka soo guran jirteen na odhan jirteen “waa walaalaheen eh.” Maxaa iminka indhaha isaga ridaysaan? Ma macawisii bay joojiyeen?
Anaga hambalyaynayna. Waar Djibouti yey hambalyo. Oo Ina Cumar Geelow Hambalyo sidaad dadkaaga wax ugu qabatay. Woxoogaaga yar yar ee jira ee xagga dimuquraadiyaddana u dedaal. Ka neefi.
Niman wanaagsan oo madaxa baa meesha inooga iman jiray xagaagga. Kollay Xasan baa la xidhiidhiye. Waar nagu salaan Xasanow nimankii wanaagsanaa ee aad na bartay.
Doolaal: Waar maxaad u jeeddaa iminka waa ninka?
Dubbe: Sawtaa odhan jirteen. “haddaanaan xidhiidhka jaarkeena hagaajin oo ku guulaysan mid ka shisheeyana ku guulaysan mayno.” Ma iminka af Talyaanina ku hadasheen reer Djiboutina af garan weydeen? Alla nimanku indha adagaa. Wuxuu yidhi Xaaji Dallaayad. “Sow Tuug alaab lagu hayaa kii habrada maaha.” Idinku waaba kaalaxdeen marraa waaxid.
Waa innoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire
 


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ha Lagu Daydo Mustafe Shiine

Qofkii aan garanayn ha loo sheegee Mustafe Cabdi Ciise Shiine waa wiilka da’da yar ee guddoomiyaha u ah Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) isla markaana ah tifaftiraha wargeyska Maandeeq.

Haddaba Shiine waxan ku hambalyaynayaa geesinnimadii uu muujiyey markii la xidhay weriyayaashii wargeyska Haatfuf, siduu BBCda iyo warbaahinta kaleba uga difaacay isagoo waxaas oo xil dawladeed ah haya. Ma aha nin u habrada xilka dawladda uu u hayo ee waa nin u badheedha difaaca xaqa iyo caddaaladda, taas baana looga baahan yahay inay weriyayaal badani kaga daydaan.

Arrimahaas oo ay suuro gal ahayd inuu xataa xilkiisa ku waayi lahaa halka weriye su’aal weydiiyey madaxweynaha ama wasiir uu xilkiisii ku waayey. Shiine sidoo kale waa nin ku dhiirran u jawaabidda saraakiisha sida kulul u weerara xukuumadda, nimankaas oo haddii aan la waabin u qaadanaya in laga cabsanayo oo xadhkaha goosanaya.
Hambalyo, weriyeyaal ku dayda Shiine oo xaqa iftiimiya.
Caasha Cali Axmed (Dheemman)

 


EREY DHAAN-WADE

Somaliland Waa Muqadas UDUB-Na Maamuuskeeda Dadkaa Leh
Qalinkii-Qabaxle. Cumar Cilmi Axmed. Hargeysa

Waxaan qalinka u qaatay inaan u caqli celiyo ninka la yidhaahdo Cismaan Cumar Dool, Oslo Norwey oo maqaal ku qoray bogga odhaahda akhristaha, warside Haatuf tirsiga 1458 salaasa july 2007 maqaalkaas oo uu hal ku dheg uga dhigay “Udub way tegaysaa ee Somaliland may ka dambayn”?

Marka hore ninka caaya dadka isna caayan marka xiga, waxa ii muuqda siduu Cismaan caynku u hayo ee weliba dabagelisku u dheer yahay. Cismaan qaate wuxuu la sare kacay oo maqaalkiisa ku soo bandhigay amar naftii ku qancin ah oo yidhi “Waaba lama huraan in la bedelo Rayaale iyo dawlada joogta” sidaana wuxuu ka dhigay wax qabad la’aan iyo musuqmaasuq.

Arrin kale wuxuu dhaliil ka dhigay inay Udub u dhamaatay hadana wuxuu yidhi: xisbiga Udub olole inuu ku jiro.

Cismaan waxaan leeyahay dawlada waxa dhistay shacbiga Somaliland, iyaga ayaa farsamo yaqaan iyo shaqqale ka ahaa, shacbiga iyaga ayaa cid kasta ugu aqoon badan madaxdooda iyo dawladooda, waxayse khaatiyaan ka taagan yihiin kooxo canaasiir ah oo isku dira dadka iyo dawaladooda.

Kooxahaasi waa isku dabeecad, malaha xishood dabra, ma yaqaaniin waalidkood, madaxdooda iyo hidaha dhaqan ee dadkooda, reerkooda, ma yaqaanaan wax la dhis adna, dhiso dad iyo dalka waxay ku colaadiyaan tartankii doorasho ee laga helay, ma yaqaanaan Qadar Allah, shaydaan baa balag u lulay jeer oo ay gaadhaan anaa Allah ka doorasho wanaagsan iyo muxuu hebal madax u noqday.

Kooxahaasi waxay if iyo aakhiro toobad seeg ku noqdeen dabo oradka kursi diiday iyo waxaaan Allah u Qorin.kooxahaasi marka ay shacbi weynaha tilmaamayaan waxay soo qaataan murtida dhaqan ee tidhaahda “Taladii uma dhalato talo uma korodho” kooxahaasi talo ay leeyihiin uma dhalato, mid la siiyana waxba uguma kordhaan, waxa kaliya ee qudha ee ay yaqaanaan ku tiraab mucaarid iyo iskula faq halqabsiga maahmaahda dimuqraadiyada Buuryo-qabka.

Cismaan waxan leeyahay ruuxaaga jooga Oslo Norwey marnaba ugama war roona dadka ku nool dhulka hooyo xaqiiqadda noloshooda dhaqan dhaqaale iyo ta siyaasadeed. Hadalkaagase waxaan ka dhadhansaday ereyo ay isticmaalaan kooxaha ku ibtiloobay mucaarid meel aanay jirin wax mucaarad lagu noqdaa, ka sokow cadowga dawladnimada Somaliland. Ereyadaas waxa ka mida dadka xuquuqdoodii la duudsiyey, nidaam fadhiid ah, hebel waa sidaa iyo waxaasuu wadaa, aduunka ayaa ah iyo dawladaha yurub ayaa sidaas ah.

Distoorkii baa la jabiyey ha lagu dhaqmo dimuqraadiyad.

Cismaaan waxan leeyahay yaanay iskaga kaa qaldamin xisbinimada iyo dawladnimadu kala garo waxa u dhexeeya ee ay ku kala duwan yihiin madaxweyne iyo gudoomiye xisbi mucaarad.

Kala garo dirkaaaga dhaqan iyo Dimuqraadiyada shisheeyaha, kala garo guusha doorashada xisbiga udub iyo in laga badiyay xisbiga kulmiye, kala garo in shacbigu doortay madaxweyne Daahir Rayaale iyo gudoomiyihii SNM Axmed Siilaanyo oo laga badiyay tartankii doorashada.

Cismaan waxan leeyahay iska dhaaf malo awaalka ah “in madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa Udub ay si qurux badan u wareejin doonaan xilalka marka la gaadho doorashada soo socota oo aanu shaki ku jirin in aqlabiyad badan lgu muquunin doono”.
Cismaanow laguma weydiin mana aha arrin doorashada madaxweyne Rayaale taal arrinta Udubiyo ee cidi ma kuu sheegtay in xisbiga mucaaradka ah ee aad u ololaynsaa leeyahay ujeeddo ka duwan waxad adigu Aaminsantay.

Guntii iyo geba-gabadii iyo hadal waayeel, adigoo raaliya, Maanka iyo Garashadaa Hoos iyo Dib ugu soo Celi Xaqiiqadda Dawladnimo Shalay, maanta iyo Berri.


 


Madaxweyne Arrintaadu Waa Wadhaf Iyo Shimbiro War Isuma Hayaan
Su'aalaha La Xidhiidha Wershedeynta Gobolka Saaxil

Anigoo ah muwaadin Xassan Suleiman Abdi mara-yareh, kuna nool dalka Sweden magaalada Stockholm, waxaan jecelahay in aan mar labaad dadka reer Somaliland, gaar ahaan reer Berbera halkan ugu soo gudbiyo fariin ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira degaankooda.

Waxaan muddo sannad iyo badh laga joogo isla wargeyska Haatuf ku soo qorey maqaal aan kaga hadlaayey macdanta gymsum & limstoneka loo yaqaan oo ah (industry mineral) ee ku jirta degaanka Suryo-malable, iyo macdano kale oo ku jirra degaano kale oo Somaliland ah, sida kuwa kale ee loo yaqaan Gemstones, kuwaas oo aan wax ka bartay.

Waxaan maqaalkan ku iftiiminayaa waajibka looga baahan yahay golaha degaanka Berbera, mudaneyaasha laga soo doortey Berbera, guud ahaan golaha wakiilada iyo madaxda wasaaradaha Hawlaha Guud, Maaliyadda, Qorsheynta Qaranka, Ganacsiga, Wershadaha, Macdanta iyo guud ahaan golaha Wasiirada.

Horta waxa jira qoraalo ama dokumentiyo tilmaamaya noocyada macdantaas gymsumka ee ku jira degaankaas, kuwaas oo waqti hore la sahamiyey, ha ugu badnaadaan sahankii waqtigii ingiriisku wadanka maamulaayey, iyo kii UNDP u xilsaartey shirkad Talyaaniya oo ay masuul ka ahayd dawladda Talyaanigu taas oo fulisey sahankeeda 1967.

Waxa intaas raaca in la derso nooca heshiiska iyo shirkada fulineysa, waxa jira shirkado magac keliya oo ay wataan qof ama laba ruux oo dilaaliin ah, kuwaas oo madaxda Afrika inta ay wax isku darsadaan la siiyo heshiis aan cid kale la siin karin muddo dheer, ka dibna u iibgeeya shirkadaha waaweyn heshiiskaas, ka dib hela oo macaasha lacag badan oo ay qeybsadaan madaxda wadanka siiyey heshiiska iyo kuwa iibiyey heshiiska. Waxa kale oo jira shirkado yaryar oo aan qaar ka mid ah aniguba la kulmey isla markaana heshiiska qaata, khatartana u badheedha shuruudna ka dhigta in ay dadka degaanka ay ka hawlgelayaan u dhashey heshiis la galaan, degdegna ula baxaan macdanaha qaaliga ah, isla markaasna ka yaaca goobahaas, iyagoo markaas madaxa isu geliya dadka deegaanka deggan oo isugu dhiiba lacag iyo hub, marka ay islaayaan bay ku marmar soodaan nabadgelyo darro ayaa dhacdey oo meeshana ka xamaan urursadaan, waa marka ay la baxaan dheemanta, waxa ka mid ah shirkado ka hawlgaley Ghana, fashilaadoodiina laga daawadey TVga dalkan Sweden.

Waxa haboon in masuuliyiinta aan soo magacaabey iyo dadweynuhu isweydiiyaan su'aalahan, shirkada hadda balan qaadey in ay ku maalgelineyso $300 million sida madaxweynuhu inoo sheegey:

a) Goorma ayey shirkadu qaadatey go'aanka ay ku qanacdey in ay ku maalgeliso miisaaniyada intaas le'eg?
b) Goorma ayey shirkadu sahamisey cadadka (quantity industrial mineralkaas) iyo mudadda ay isticmaali karaan si kharashka ka baxaaya iyo wax soosaarku inta uu le'egyahay ay u hubiyaan?
c) Wasaaradaha Hawlaha Guud, Qorsheynta, Macdanta, Golaha Degaanka Berbera, Maaliyada, golaha wasiirada ganacsiga iyo wersheduhu ma hayaan nuqul ama dokumenti ku saabsan cadadka macdantan iyo daraasadii lagu sameeyey si loo fuliyo heshiiskan marxaladiisa ugu dambeysa ee lagu soo saareyo?, (intaas oo wasaaradood, waxbaa ka wada khuseeya si hay'ad waliba ugu darsato qorsheheeda mustaqbalka ee wax qabad)
d) Noociyada iyo sharciyada shirkada fulineysa wasaaradaha khuseeyaa ma soo baadheen iyo dalka ay shirkadu ka diiwaan gashantahay, wax qoraal ah wasiirkee baa ka haya? (si loogu lifaaqo qoraalka loo gudbinaayo golaha wakiilada, si ay u ansaxiyaan)
e) Ma la hubiyey hantida iyo waayo aragnimada shirkadan iyo meelaha ay dunida ka soo hawlgashey iyo meelaha ay hadda hawlo ka wadaan?
Hadii masuulka aad aamintey ee kuu dhaartey been kugula dhaqmo, awoodiisa iyo wax qabadkiisuna ku saleysnaado qawqawda maqashii waxna ha u qaban, waa mid subxaana leh, taasina waxa ay noqoneysaa dembi aan la iska saamaxin if iyo aakhiroba.

Waxay aniga ila tahay:
Markii aan dhowr jeer oo kala duwan, hubsadey been in uu ummadiisa u sheegey madaxweynuhu, taas oo Nebigu (NNKHA) yidhi masuullkii iyo muslimkii been sheegaa ummaddayda ka mid ma'aha, dadkan aan la joogno ee aan muslimka ahayna aan arkey, masuulkii been lagu ogaadaa in aanu shaqo heer sare mar dambe ka qaban dalkan Sweden, beentaas uu madaxweynuhu ummadiisa u sheegey tii ugu dambesey ay ahayd mid ku saabsaneyd socdaalkii uu ku yimi Sweden oo uu si cad uga been sheegey, caddeynteedii la hayo?
Markii aan ku booqdey aniga iyo saddex ruux oo kale Hotelka Sheraton, Stockholm goor habeen ah, isla markaana aan wax ka weydiiyey arrimaha heshiiskan, noogana waramey, isla markaana aan u barbardhigey warbixintiisii uu dadka iyo jaraai'dka siiyey, berigii uu Jarmalka ka soo noqdey ee ku saabsanaa heshiiska maalgelintan iyo shirkada.
Marka aan dersey shirkadaha ka diiwaan gashan kana tirsan dalalka European Union sida tan ka soo jeeda dalka Jarmalka iyo miisaaniyada culus ee intaas le'eg ee ay ku maalgelineyso heshiiskan, iyo sida aanu masuul labaad oo ka tirsan wadanka Somaliland wax qoraal ah ama daraasad ku saabsan heshiiskan uga war haynin, madaxweynaha mooyaane, markii aan isbarbardhigey warbixinta Rayaale iyo qaabka ay u hawlgalaan shirkadaha ka diiwaan gashan EU in aanay is waafaqeynin.
Markii aan wax ka weydiiyey shirkado kale oo aan xidhiidh la leeyahay, waqtigii argagaxisadu wax ku leyneysey dhulkeena damacsanaa in ay soo darsaan macdan kale oo ku jirta gobolkaas, iyo taladii EU siiyey shirkadaas.

Wax ay ila tahay sidan.-
In ayaamaha doorashadu socoto, shaqaale la qori doono derbi dhista, ka dibna la odhan doono waanu eriney shirkadii, ama farsamo kale lagu baajin doono mashruuca doorashada ka dib, waxa aan ummadda xasuusineyaa in doorashadii madaxweynaha ee hore, la keeney laba carab oo khaliijiyiin ah, ummadana loo sheegey in ay madaarada Berbera iyo Hargeysa shirkado ay raggani masuul ka yihiin la wereegeyaan, laguna maalgelinaayo $25 million oo dollar, waxaana iiga markhaatiya Haatuf iyo Jamhuuriya iyo wasiirkii ina Cabdi dheere ee berigaas Duulista ka masuulka ahaa.

Waxa aan ku talineyaa:-
In golaha Wakiiladu iyagoon aan waxba ka sugin dawladda ay la soo xidhiidhaan Chamber of Commerce Germany iyo European Unionka, hubiyaana sharciyada, maaliyadda iyo waayo aragnimada shirkadan aan dokumentiga heshiishkeeda Rayaale mooyee nin kale waxba ka ogeyn, si ay maxkamad ugu soo taagaan isaga iyo shirkadaba hadii ay been abuur aan sharciyeysnayn tahay.
In golaha degaanka Berbera ay dabagal ku sameeyaan macnaha heshiiskan iyo sharciyadiisa, taas oo ay masuul ka yihiin wixii degaanka ka fulaaya kuna ilaaliyaan dawlada mustaqbalka dhulkaas.

In Golaha wakiiladu magacowdaan dhowr baadhe oo deggan dalalkan EU kuwaas oo una dhashay dalka S/land, haystana jinnsiyada dal ka mid ah EU, isla markaana soo fashilin kara waxa ka jira heshiiskan, iyagoo kaashaneya sharci yaqaano iyo la taliyeyaalba maxkamadna ka furi kara halkan una gudbin kara maxkamadda dhammaan dadka heshiikan ku jirey hadii uu noqdo been, taasina waa arrin fudud, kharashkana dadka halkan ku dhaqani bixiyaan, kaas oo aan badneyn, oo halkan been intaas le'eg la iskuma sheegi karo oo waa ogtihiin.

Waxa cad in Rayaale kursiga madaxnimada ku fadhiistey iyadoo la dhameystirey lana ansixiyey dastuurkii, lana dhisey asxaab siyaasiya, komishankii doorashooyinkuna shaqeynaayo, maanta oo u madaxweyne ahaa shan sanadood waxa uu ina dhaxalsiiyey komshankii oo aan jirrin doorashadiina dhowdahay, iyadoo nin konton qof soo maamuley xitaa garan karo sannad ka hor in laga tabaabusheysto dhismaha kommishanka, marka aad eegto muhiimada ay leeyihiin, waxna laga reebo kuwii hore si looga faa'iideysto (organisation orientering) waa hab maamulka looga faa’iideysto shaqo wadareed walba laga wada helo labaatan jirka iyo 60 jirka si waayo aragnimada la isugu gudbiyo, taasina waxa ay ku tuseysaa sida aanu wax lix jeclo ah uga lahayn wadankan, golihii wakiiladana sharcinimadii ay ku dhisnaayeen aanu weli u aqbalin ilaa iyo immika isagoo noogu cadeeyey Stockholm in aanay sharciba ku iman shirgudoonka golaha wakiiladu, taasna aanu u qaadaney in aanu wax ama wax kala garaneyn ama uu sii hurinaayo khilaaf uu dan moodey.

Waxaan qabaa in madaxweynuhu uu dadka wadankan ku taagtaagsado oo aanu kala xishoon waxa ninka rag ahi kala xishoodo ummad aamintey oo is cafidey, waxaanu u muuqdaa nin cadow ku ah dimoqraadiyada dhisan ee uu dhaxley,
Waxa cad in ummadani aad u dulqaad badantahay, waxa muslim iyo gaaloba la yaaban tahay maanta Rayaale, Swedishkii daneynaayey Somaliland baa ka yaabey oo yidhi, xagee lagu arkey dunida Somaliland mooyee miisaaniyad golihii wakiiladu ansixiyey oo dawladii diidey in ay ku dhaqanto, maxaa looga baahanyahay golaha wakiilada ansaxintooda, hadii dawladu sida ay rabto loogu sharciyeynaayo, miyaaney se oggeyn ummaddu in hadii dawlad loo ansixin waayo laba jeer miisaaniyada ay dawladaasi dhacdey, waayo waxa ku cadaata in ay hawsha loo direyba ee dawladnimo aanay lahayn xirfadii lagu fulinaayey.
Waxaan leeyahay madaxweynaha,
Nin ku sugey gar kuu dhigey, nin sarbeebey kaa qari, nin ku sireyna wax kuu sheeg, markaas la soco ummadani wey kaa horeysaa, waayo madaxweyne ayey kaa dhigatey adiguna waxaad ka dhigtey dad aan jirrin oo kuu khaldamey, markaas waa wadhaf iyo shimiro war isuma hayaan.
Xasan Suleymaan Cabdimarayareh
Sweden, Stockholm.
 


Reer Berbera Waxay Sugayaan Duco Qabeynta Wasiirada Saaxil Ee Kuraasta Sida Leexada Isugu Ruxaya
Qalinkii Muj Maxamuud Ducaale Saleebaan (Maxamuud-talaabo)

Sida aynu ka war hayno magaalo xeebeeda Berbera oo ku taalla bogcad aad u mihiim ah juquraafi ahaan iyo dhaqaale ahaanba, iyadoo afka ku haysa marin badeedka aadka u muhiimka ah ee Baabal Mandab kaas oo si fudud loogaga gudbi karo dalalka khaliijka iyo bariga dhexeba, iyo weliba dhinaca barigana sidaa si la mid ah looga gudbi karo badwaynta Indian Ocean. Intaa waxaa u dheer inay leedahay marso caalami ah, gegada diyaaraduhu caga dhigtaan ee ugu dheer Afrikada bari, kaydka shidaalka qaranka iyo khayraat dabiiciga ah oo ka badan in lagu soo koobo qoraal sidan oo kale u gaaban iyo wax la mid ah toonna.

Haddaba waxaas oo nimco iyo badhaadhe ahi ma ka muuqdaan Saaxil iyo dadkeeda midna, mise arrintu sidaas way ka duwan tahay?

Maya’e qofkasta oo taga Berbera markuu warkan maqlo wuxuu odhanayaa anigu magaaladaan soo arkay maaha tan laga sheekaynayo ee waxaan soo arkay magaalo iyada iyo dadkeeduba ay u baahan yihiin gurmad qaran, dadka arrimahan ka faalooda ee reer Berbera masuuliyada dhibaatadan naxdinta iyo murugada leh waxay dusha uga tuuraan wasiiradda ka tirsan xukuumadda madaxwayne Rayaale ee dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka (wasiiradda Ciise Muuse) kuwaas oo qaarkood aan degaanka laga jeclayn taariikhdooda siyaasadeed ee ku aadan waayihii la soo maray muddooyinkii hore, halka kuwo kalena dadkuba aanu wejiyadooda garanayn.

Haddaba mar haday amuuruhu yihiin sidaa aynu soo sheegnay wasiiradda xeeladoodii iyo aqoontoodiiba isugu geeyay sidii ay u sii fadhiyi lahaayeen kuraasta wasiirnimo ee ay mudada badan sida leexada isugu ruxayeen iyo weliba ka been sheegida gobolka iyo dadkiisa ee ay Madaxweynaha ugu gudbinayaa warbixinta aan jirin ee jeebkooda ah ee ay leeyihiin Madaxweyne anagaa ogoo wax waliba waa hagaagsan yihiin ma sii jiri doontaa, mise sida ay reer Berbera in muddo ahba sugayeen dhawaan ayuu madaxweyne Daahir Rayaale odhan doonaa Duco qabayaal xilku waa meerto, kuna bedelan doonaa wejiyo cusub oo la fili karo inay xukuumad iyo shacbiba wax badan ku soo kordhiyaan oo faa’iido leh?

Jawaabaha su’aalahan waxaynu u dhaafaynaa maalmaha soo socda (insha allah) iyo inuu Madaxweyne Rayaale la yimaado isbedel dhab ah oo ay reer Saaxil ku qancaan.

Top