Somaliland: Jasiirada Dimuqraadiyada Ee Afrika Waxay
Leedahay Meeday Caawimadii Maraykanku?
Maayarka Degmada Saylac Oo Ka Hadlay
Xaaladda Horumarineed Ee Degmada Saylac Iyo Roobab Baabi’iyey Degaanno Hoos
Yimaadda Maamulkiisa
Muqdisho: Goobta Shirku Ka Socday
Shalay Iyo Rasaasta Hoobiyaha Ee Lala Beegsaday
Musuq-Maasuqa Ay Xukuumadda Rayaale
Ugu Loogtay Shirkado Aan Jirin Kheyraadka Dabiiciga Ah Ee Dalka Iyo
Raadadkii U Dambeeyay
“Had Iyo Jeer Mucaaridku Waxa Nusqaan
Leh Ayuun Buu Ka Hadlaa, Markaa Dul-Qaadka Waxa Leh Inta Xilka Haysa”
Guddoomiyaha Guurtida
Wakiilka Jamhuuriya Ee Gobolka Awdal
Oo Xabsiga Laga Sii Daayey
Muranka Iyo Khilaafka Hala Iska Dhaafo
Oo Danta Qaranka Ha Laga Wada Shaqeeyo
Baaq Mujaahidiin SNM-Ah
Xisbiga Kulmiye Oo Cambaareeyey
Cago-Jugleynta Iyo Cabudhinta Ay Xukuumaddu Ku Hayso Ururka QARAN
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Maxaad Ka
Taqaanaa Amiiradii Diana?
Ma runbaa In Somaliland Ku Dhaqmayso
Nidaamka Xisbiyada Badan?
Golayaasha JSL: Daab-Gudimo Weli
Sooma Jarin Wiilashaan Diray..
|
|
Somaliland: Jasiirada
Dimuqraadiyada Ee Afrika Waxay Leedahay Meeday Caawimadii Maraykanku? |
Jamhuuriyad Ka Go’day Somalia, Oo Isku Taqaana Inay Tahay
Tusaalaha Gobolka
By Ginny Hill, - Christian Science Monitor
Aragtida maamulka Bush ee abuuritaanka degenaasho goboleed ee taageerada
Jasiiradda dimuqraadiyada, hogaamiyayaasha Somaliland waxa ay leeyihiin
waa in talaabada aqoonsiga si rasmi ah loo qaadaa, si ay u noqdaan
qarankii u dambeeyay ee Afrika.
Taa bedelkeeda Jamhuuriyaddan go’day ee madax banaanideeda ku dhawaaqday
1991-kii diblomaasi ahaan way go’doonsantahay, waxaanay joogtaa ciirsi
la’. Iyada oo aan weli ku guulaysan inay qaran [la aqoonsan yahay] la
noqoto, waxaanay fursad u ahayn inay gasho heshiisyo ganacsi oo toos amaba
hay’adaha dhaqaalaha dunida sida Baanka adduunka.
“Beesha caalamku way naga fogaatay” sidaa waxa yidhi, Xuseen Cali Nuur,
tifaftiraha todobaadlaha Ingiriisiga ah ee Republican oo ka soo baxa
caasimada Somaliland ee Hargeysa. “Maraykanku waxay ka hadlaan taageerada
dimuqraadiyadda, laakiin waxa qariyay la dagaalanka argagixisada,
guushayadana waxa dusha ka hadhaysay danaha ay Maraykanku ka leeyihiin
Somalia.”.
16-kii sannadood ee ina dhaafay, ee ay Somalia is-qalatay, Somaliland
hogaamiyayaasheedu waxay ka yimaadeen dhaq-dhaqaaq jabhadeed, oo dastuur
samaystay doorashooyin axsaab badana galay.
La taliyaha horumarinta Mark Badbury, oo goob joog ka ahaa doorashooyinkii
baarlamaanka ee sannadkii 2005-dii, waxa uu yidhi Jamhuuriyadu waxay
samaysay wax wanaagsan, haddii aanay kaba badin dalalka kale ee gobolka,
sida Ethiopia iyo Ereteriya, ee ka qayb qaadashada dadka ee dimuqraadiyada
iyo xorriyada hadalka ayuu yidhi Siciid Nuur. Wasiirka arrimaha debaduna
wuxuu ku daray. “Waxa aanu abuurnay Afrika cusub, oo ku dhisan nidaamka
baarlamaan ee Afrika, astaana u noqon karta mandaqada”.
Aqalka wakiiladdu waa mid si toos ah loo soo doorto, aqalka sarena [Guurtidu].
Aqalka Guurtidu waxa uu ka kooban yahay odayaasha qabaa’ilka. Labada
aqalka waxay ku dhisan yihiin awood qaybi qabaa’ilku ka wada muuqdaan.
Bradbury ayaa yidhi, arrintani waxay gacan ka geysatay inay dabada ka
riixdo in hannaanka dhaqanku hagaago.
Halka Somalia kaga jirto xaalad colaadeed oo qabaa’ilku dhufayska iskugu
jiraan Somaliland waa qomiyado isku dhaw, oo ay ugu badan yihiin qabiilka
reer Sheekh Isaxaaq. Wada jirkan dhaqameed waxay horseeday inay ku taamaan
inay mustaqbalka noqdaan dal madax banaan.
Laakiin weli dalna uma aqoonsan qaran madax banaan.
Gorfeeyaha siyaasada ee Roland Marchal oo ka socda xarunta deraasada
caalamiga ah iyo cilmi baadhista ee xarunteedu tahay Paris, ayaa yidhi,
Maraykanka iyo inta kale ee beesha caalamku waxa suurta gal ah inay si
wanaagsan u taageeraan Somaliland inay ku guulaysato madax banaani
mustaqbalka fog, laakiin waqtiga ayay wax waliba ku xidhan yihiin, iyo
waxa laga heli karo haddii la aqoonsado, go’itaanka laga dhaxlo dhiig iyo
dagaal sokeeye”.
Haatan Waaxda Arrimaha Debada ee Maraykanku waxa ay u muuqataa mid
raacaysa hogaanka Midawga Afrika, ee bakhti afuufka dalalka fashilmay sida
Somalia oo kale ee maaha jamhuuriyaddaha go’aya.
Qaar ka mid ah gorfeeyayaasha Afrika ayaa aaminsan inay Somaliland ka qayb
qaadan karto wada hadal nabadeed mustaqbalka oo ay ku jirto xalka Somalia
oo dhan, laakiin dhaqan gelinta doonista Somaliland, waxay carqaladayn
kartaa dawlada yayabka ah ee federaalka ku meel gaadhka ah ee Somalia ee
weli u dagaalamaysa inay gacanta ku wada dhigto caasimada Somalia ee
Muqdisho.
Waxay ahayd maxmiyadii hore ee Ingiriiska, waxaanay Somaliland madax
banaanideeda ka heshay 1960-kii, laakiin dhakhso ayay ula midawday
Somalia, si ay u sameeyaan Jamhuuriyadda Somalia. “dhakhso ayaanu ugu
boodnay” ayuu yidhi Mr. Nuur, “waxaanay ahayd khalad”.
Manaasiibta muhiimka ah ee dawladda cusub waxa qaatay Koonfurta reer
Muqdisho, Somalilanders-kuna si lama filaan ah ayay uga baxeen. Waxaanay
abuurtay inay jabhad kala hortagaan dawladii Kalidii taliyihii Barre, oo
ay awooda ka tuuraan. Laakiin duqayntiisii meelaha magaalooyinku ee
1988-kii waxa ay sababtay dhimashada in ka badan 50,000 oo qof, iyo
Hargeysa oo gebi ahaanteedba burburtay.
SIyaad Barre waxa dalka laga caydhiyay 1991-kii, waxaana Somalia ka
bilawday dagaal sokeeye, oo naafeeyay Somalia. Laakiin baaba’a Somalia
waxay noqotay fursada Somaliland, oo ay haatan dadkeedu yihiin saddex
milyan, oo suni muslimiin ah, oo aan doonayn inay wax dambe la qaybsadaan
dawlad Muqdisho ka dhalata.
Nuur [wasiiru dawlaha arrimaha debada] oo ka mid ahaa jabhadii waxa uu
sheegay inay weli dadku xasuusan yihiin dhaawacyadii Barre u geystay, oo
ay cuqdad ka qabaan, siyaasi kasta oo ula yimaada midnimana dhagax lagu
dilayo.
Bradbury waxa uu rumaysan yahay in diblomaasiyada debadu wax badan ka
baran karto Somaliland waayo aragnimadeeda, iyo dib u heshiisiinta iyo dib
u dhiska. Waxa uu hoosta ka xariiqay inay Somaliland samaysay wax weyn oo
la arki karo, iyada oo aan taageero caynkaasi ah ka helin beesha caalamka.
Taasi oo aanay suurto gal noqonin inay Somalia ka dhacdo.
Iyada oo ay beesha caalamku si gaar ah indhaha ugu hayso Muqdisho
mustaqbalkeeda, Bradbury waxa uu la socdaa Somaliland oo aan ahayn oo keli
ah istaraatiiji, laakiin ay ugu filantahay oo keli ah dunida inay
maalgeliyaan khayraadkeeda dabiiciga oo ay ku xidhantahay in la aqoonsado
si ay kelideed u jiri karto. Jirid la’aanteeduna waxay soo kordhin kartaa
oo keli dib u dhac. Top
Maayarka
Degmada Saylac Oo Ka Hadlay Xaaladda Horumarineed Ee Degmada Saylac
Iyo Roobab Baabi’iyey Degaanno Hoos Yimaadda Maamulkiisa |
Boorama, July 20, 2007 (Haatuf) – Maayarka Degmada Saylac,
Maxamed Cumar Xaddi (Cawad ) ayaa markii ugu horreysay tan iyo maalintii
uu xilka degmadaasi la wareegay sannad ka hor ka hadlay waxyaalaha uu ka
qabtay degmadaasi iyo degaanada la xidhiidha.
Hadalkan Guddoomiyaha oo ka dambeeyey guux qaar ka mid ah xildhibeenada
Golaha degaanka ee Degmadaasi beryahanba laga maqlayey, ayaa Guddoomiyaha
Golaha degaanka degmada Saylac ka warramay waxyaalaha uu ku soo kordhiyey
Degmadaasi intii uu xilka hayey.
Guddoomiyaha oo uu weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar kula
kulmay Boorama isagoo ku soo jeeda Hargeysa shalay ayaa waxa uu
warbixintiisa ku yidhi:
“Degmada Saylac waxay ka mid tahay degmooyinka ugu nabadgelyada badan leh
gobolka wakhtigan isla markaana ay ku soo kordheen arrimo badan oo aan
hore u jirin, kuwaas oo wax ka taraya adeegyada dadweynaha ee dhinacyada
caafimaadka, isgaadhsiinta iyo dhismayaasha. Waxan Dadweynaha Saylac u
ballanqaaday inaan wax ka qabanayo dhismayaasha taariikhiga ah, oo uu ka
mid yahay dhismaha gurigii ay geli jireen maamuladii magaaladaasi soo
maray boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey Gurigaasi oo loo yaqaan "Kooca"
waa dhisme saddex dabaq ah oo la dhisay waagii Ingiriisku gumaysan jiray
dalka, waxana kharashka lagu dhisay ka qayb qaatay Madaxtooyada, Hay’adda
DRC, iyo maamulka dawladda Hoose iyadoo ay ku baxday lacag dhan 36 kun oo
Doolar. Waxan sariibadii cusbayd ee mudo laga manaafacaadsan waayey ku
beddelay dhismayaal ay galaan shaqaalaha dawladda Hoose, dhismayaal lagu
soo kordhiyey xafiisyada dawladda Hoose, dib-u-dhis lagu sameeyey
saldhigga Bileyska, Dhismaha jidka isku xidha Toqoshi – Saylac oo mar
labaad dib loo dhisayo iyadoo hay'adda SRA iyo DRC ay naga caawiyeen.
Waxay magaalada iyo degaanada hoos yimaaddaa yeesheen isgaadhsiin caalami
ah iyadoo la ogyahay in fooniye mooyee aan Saylac lala xidhiidhi karayn,
arrintaasina waxay ku timi codsiyo farabadan oo aan ku dhiirrigeliyey
shirkadaha Isgaadhsiinta. Waxan dib u qodnay ceelasha Biyaha qaarkood oo
xumaa, waxanan si joogto ah maamulka caafimaadka gobolka iyo Hay'adahaba
ku dhiirrigeliyey inay dawooyin si joogto ah u keenaan degmada iyo
tuulooyinka iyadoo weliba Cusbitaal Wareega (MOBILE) uu ururka Bisha Cas
ku soo kordhiyey adeegyada caafimaadka degmada.
Waxa intii aan joogay degmadu iibsatay hal gaadhi iyo mid dawladdu noogu
deeqday, waxanan dib u habayn ku sameeyey nidaamka biyaha Tuulada Xariirad
oo muran badani ka dhici jiray. Sidaas oo ay tahay weli dhibaatooyin ayaa
jira, ha ugu horreeyaan ceelka Biyaha ee tuulada Ceelgaal oo qadhaadh isu
rogay iyo ceelal mishiinno aan u la' nahay.”
Guddoomiyaha Golaha degaanka Degmada Saylac ayaa dhinaca kale ka warramay
dhibaatada ka dhalatay roobab xoog leh oo dhawaan ka da'ay degaanada
Degmadaasi kuwaas oo ay ka mid yihiin Tuulada Caasha Caddo. Sida uu
weriyaha Haatuf u sheegay Guddoomyaha G/degaanaka Saylac, Maxamed Cumar
Xaddi, waxay daadadkaasi qaadeen kala badh tuuladaasi wixii dhismayaal iyo
hanti ahayd, taas oo keentay in dadkii ku noolaa go'doomaan hoy iyo cunto
la'aanina ku dhacdo, waxaanu sheegay inuu gargaar ugu doonayo dawladda
dhexe ee fadhigeedu yahay Hargeysa iyo Hay'adaha caalamiga ahba.
Muqdisho:
Goobta Shirku Ka Socday Shalay Iyo Rasaasta Hoobiyaha Ee Lala
Beegsaday |
Muqdisho, July 20, 2007 (W/wararka) – Abaaro Sideedii iyo
badhkii wakhtiga magaalada Muqdisho ayaa mar qudha wxa la maqlay dhawaaqa
iyo dayaanka madaafiicda qoriga loo yaqaano Hoobiyaha kuwaas oo
dhamaantoodba la doonayey in lala beegsado halka uu ka socdo shirka dibu
heshiisiinta Soomaalida ee degmada C/casiis ee muqdisho.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxa
madaafiicdaa ku dhintay shan qof xaafada shibis, iyadoo dhinaca kalena ay
jiraan dhaawacyo fara badan oo ay geysteen madaafiicdaasi hoobiyaha ahi ee
lala damacsanaa in lagu dhufto goobta shirku ka socday.
Dadka deegaanada C/casiis iyo Shibis ayaa shaaca ka qaaday in ay arkayeen
illaa lix hoobiye oo ku soo dhacday xaafadahooda.
Ma jiraan ilaa imika warar qeexaya in meesha shirku ka socday ay wax
gaadheen iyo khasaaraha ka dhashay duqaynta loo geystay shalay gelinkii
dambe xarunta Hoolka shirka ee magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta shirka dibu heshiisiinta Somalia ayaanay ilaa hada ka soo
bixin wax wara oo arrintaa ku saabsan taasoo ku aadan carqaladaynta ay
shirka ku yeelatay madaafiicdaasi , iyadoo kooxaha mucaaridka ah eek u
sugan muqdisho ay sheegeen in mar walba ay bartilmaameed uga dhiganayaan
Shiraka, waxaana madaxweynaha dawlada Imbagaati C/llaahi Yuusuf uu horey u
sheegay in shirku uu socon doono xataa haddii lagu soo rido Nooca Hubka
Nuclearka.
Dhinaca kale shirka dibu heshiisiinta beelaha soomaaliyeed ee ka soconaya
magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay xilli magaalada ay ka dhacayaan
falal aad u qadhaadh kuwaas oo isugu jira dilal, qaraxyo iyo weeraro lala
beegsanayo ciidamada dawlada Imbagaati iyo waliba kuwa Itoobiyaanka ee ku
sugan magaalada Muqdisho.
Top
Musuq-Maasuqa
Ay Xukuumadda Rayaale Ugu Loogtay Shirkado Aan Jirin Kheyraadka
Dabiiciga Ah Ee Dalka Iyo Raadadkii U Dambeeyay |
Hargeysa, July 20, 2007 (Haatuf) – Shirkad Ajnebi ah oo
magaceeda la yidhaahdo Prime Resources Limited oo ay xukuumadda Madaxweyne
Rayaale sheegtay inay heshiis kula gashay inay “Block 26” oo ah aagga
gobolka Hargeysa ka baadho kana soo saarto shidaal, ayaa dhokumenti iyo
macluumaad rasmi ah oo uu wargeyska Haatuf helay waxay daaha ka rogeen in
ay shirkadaasi tahay mid magac-u-yaal ah oo aan haba yaraatee shaqayn,
isla markaana lahayn wax raasamaal lacageed oo ay ku hawl-geli karto.
Isniintii 28 May 2007 ayaa shirka toddobaadlaha ah ee golaha Wasiirada
xukuumadda Madaxweyne Rayaale waxaa lagu ansixiyay heshiis baadhis iyo
soo-saaris shidaal ah oo ay wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland kula
gashay shirkadda Prime Resources Limited oo xarunteeda la sheegay inay
tahay dalka Britain iyo in lacag hal milyan oo dollar oo ah
xaqul-qallinkii saxeexa heshiiska (Bonus Signature) laga dhaafo shirkadda,
taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale u soo jeediyay golihiisa
wasiirada in lacagtaas laga dhaafo maadaama uu shirkadda iska leeyahay nin
Somaliland u dhashay, balse dhalasho British ah haysta, magaciisa lagu
sheegay Maxamed Yuusuf.
Haddaba sida ku cad dhokumentiyo wargeyska Haatuf helay, shirkaddan waxaa
dalka Britain laga diiwaan-geliyay 06/06/1989, iyadoo nooca shaqada ay
qabanayso ee ay ku diiwaan-gashan tahay soo saarista kheyraadka dabiiciga
ah, tahayna shirkad “Non-Trading” ah oo macnaheedu yahay mid shaqaynayn.
Shirkaddan ayaa waxa iska leh sida ay dhokumentiyadaasi sheegayaan MP Tony
Baldry oo ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska [House of Commons],
isla markaana ahaa mudanihii hogaaminayay weftigii Baarlamaanka Ingiriiska
ee booqashada ku yimid Somaliland horraantii sannadkii 2004.
Sidoo kale sida ku cad mid ka mid ah xaashiyaha xisaabaadka shirkaddaas
(Balance Sheet) sannadkii 2006 waxaa sanduuq-xisaabeedkeeda (Account)
baaqi ku ahaa £166 (boqol iyo lix iyo lixdan giniga Ingiriiska ah), iyadoo
sannadkii 2005 ay sanduuq-xisaabaadka shirkadda soo gashay lacag dhan
£4,262 (afar kun, laba boqol, laba iyo lixdan giniga Ingiriiska ah), halka
isla sannadkaas dabayaaqadisii ay sanduuq-xisaabeedka shirkaddaas ka
baxday lacag dhan £4,100 (Afar kun iyo boqol giniga Ingiriiska ah).
Sidoo kale, waxaa dhokumentiyadan ku cad in shiradda Prime Resources
Limited hoos tagto oo ay iska leedahay shirkad kale oo magaceeda la
yidhaahdo NES Group Limited oo iyaduna ka diiwaan-gashan cariga Ingiriiska.
Waxa kale oo dhokumentiyadaas ku cad inaanay haba-yaraatee hal qof oo
Soomaaliba sheegtaa shaqo ku lahayn xilalka masuuliyadeed ee shirkadaasi.
Haddaba marka si guud loo daalacdo macluumaadka ay dhokumentiyadani
xambaarsan yihiin, waxaa cad in shirkaddani la mid tahay shirkadaha
macmalka ah ee ay Madaxda Afrikaanka ah ku qadhaabsadaan, iyagoo ku
qarsanaya hantida ay ka musuq-maasuqaan dadyowga ku nool wadamada ay
madaxda ka yihiin.
Maaha markii ugu horeysay ee shirkad noocan oo kale ah oo macmal ahi ay
xukuumadda Madaxweyne Rayaale la gasho heshiisyo maalgelin iyo
soo-saarista kheyraadka dabiiciga ah, iyadoo ujeedada ka dambaysaa tahay
boos-celin si ay hadhow liisanka uga iibiyaan shirkadaha awooda u leh
hawlaha noocan oo kale ah, waxaanay falalka noocaas ahi Somaliland iska
hortaageen inay yimaadaan shirkadaha caalamiga ah ee saliidda soo saaraa.
Si kasta ha ahaatee, waxay isweydiintu tahay maxay tahay faa’iidada ugu
jirta Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisu inay heshii la galaan shirkado
magac-u-yaal ah oo weliba ku tiraabaan halaga dhaafo kharashkii
xaqul-qallinka heshiiska, iyagoo heli kara shirkado maalgelin iyo
soo-saarista kheyraadka dabiiciga awoodda?
Waxaa iska cad inay Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisu indhaha ka
qarsanayn dariiq kasta oo ay ku musuqmaasuqi karaan hantida ummadda.
Top
“Had Iyo Jeer
Mucaaridku Waxa Nusqaan Leh Ayuun Buu Ka Hadlaa, Markaa Dul-Qaadka
Waxa Leh Inta Xilka Haysa” Guddoomiyaha Guurtida |
Guddida Guurtidu U Saartay Xalinta Khilaafaadka Oo Xalay
La Kulmay Madaxweyne Rayaale
Hargeysa, July 20, 2007 (Haatuf) – Shirgudoonka Golaha Guurtida ayaa
fadhigii shalay ee golaha guurtida horkeenay guddi ka kooban 17 xubnood oo
ay u magacaabeen xal u helida khilaafka ka dhex aloosan xukuumada iyo
golaha wakiilada, gaar ahaana miisaaniyada iyo labada xubnood ee
komishanka doorashooyinka ee ay golaha wakiiladu diideen ansixintooda.
Fadhigan shalay oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Salebaan
Maxamuud Aadan, ayaa waxa ugu horeyn madasha fadhiga laga akhriyey
qoraalka magacaabista xubnaha guddida xal u helida khilaafkaasi oo uu
gudoomiyuhu ku saxeexan, taas oo shirgudoonka golaha guurtiduna ay ka mid
yihiin xubnaha guddidaasi, waxaanu qoraalka magacaabista xubnahaasi u
qornaa sidan:
“Shirgudoonka golaha guurtida JSL; markuu arkay ogolaanshaha golaha
guurtida ee xal u helida arrimaha taagan iyo u magacaabista guddi ee so
oaf-jaridda khilaafkaasi.
Markuu arkay xeer-hoosaadka golaha guurtida, qodobkiiisa 4-aad, faqradiisa
“Kh”.
Markuu arkay go’aankii golaha ee lagu ansixiyey asbaabtii kal-fadhiga aan
caadiga ahayn ee golaha guurtida JSL.
Isaga oo ka duullaya; yaqiinsanka golaha ee xal u helidda arrimaha taagan
ee miisaaniyadda 2007-da iyo dhamaystirka komishanka doorashooyinka
qaranka.
Wuxuu u magacaabay guddigani xal-u-helida labada arimood:
1. Saleebaan Maxamuud Aadan – guddoomiyaha golaha guurtida
2. Sh. Axmed Sh. Nuux Fure – Guddoomiy Ku Xigeenka 1-Aad Ee Golaha
3. Siciid Jaamac Cali – Guddoomiye Ku Xgieenka 2-Aad Ee Golaha
4. X. Cabdi Xuseen Yuusuf – Guddoomiyaha Guddida Joogtada
5. Muxued Aw Axmed – Xubin
6. Cawil Xuseen Axmed – Xubin
7. Cumar Faarax Buddeeye – Xubin
8. Axmed Muuse Obsiiye – Xubin
9. C/Raxmaan Axmed Aareeye – Xubin
10. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax – Xubin
11. Yuusuf Cabdi Cawaale – Xubin
12. Aadan Shire Faarax – Xubin
13. C/Qaadir Aw Xuseen Mire – Xubin
14. C/Qaadir Maxamed Xasan
15. C/Laahi Sh. Xasan Cismaan – Xubin
16. C/Laahi Ibraahim Habane - Xubin
17. Xasan Axmed Faarax – Xubin”.
Intaas ka dib, khudbad kooban oo uu gudoomiyaha golaha guurtidu Saleebaan
Maxamuud Aadan uu fadhigaasi uga jeediyey mudanayaasha ayaa waxa uu kula
dardaarmay in aanay asxaabta mucaaradka ah aanay wax jawaabo ah uga jeedin
warbaahinta, balse ay ka dulqaataan eeddo kasta oo kaga yimaada dhinacooda,
waxaana hadalkiisii ka mid aha a”Waxaan xalay maqlayay asxaabtii
mucaaradka ahaa oo tash-wiish gelisay guddida golaha, nimankaas qaylinayaa
waa mucaarad, waxaas ay ka qaylinayaan waa kuraasta aynu ku fadhino iyo
kursiguu madaxweynuhu ku fadhiyo ayay raadinayaan, mucaaradna isagu had
iyo jeer wax nusqaan leh ayuun buu ka hadlaa, dulqaadka markaa waxa leh
inta markaas xilka haysa.
Waxaan idinka codsanayaa inaydaan nimankaas u jawaabin, anaguna u jawaabi
mayno, inaga labadaas gole ee xukuumada iyo wakiilada ayay hawli inaga
dhexaysaa, isagana xil kama saarna maanta, xilkuna wuxuu saaran yahay
goleyaasha, sidaas darteed waxaan golaha ka codsanayaa intaynu qaadiyadan
dhexdhexaadinta wadno inaynaan wax jawaab ah ujeedin hadalada asxaabta
mucaaradka inaga soo gaadha waa in aynu iska xakamayno gole ahaan
arrimahaasi?
Dhinaca kale, sida ay sheegeen warar laga helay ilo xog-ogaal ah oo ku
dhowdhow Madaxtooyadu, guddidan ayaa waxay xalay la kulmeen Madaxweyne
Rayaale, kulankaas oo ujeedadiisa lagu sheegay inay ahayd inuu
Madaxweynuhu khadka cagaaran u taago guddidu inay guda-gasho xalinta
khilaafaad isaga iyo wakiilada u dhexeeya. Sidoo kale, waxay wararku
intaas ku dareen in dhinaca kalena ay guddidu warqad qoraal ah u qoreen
shirgudoonka Wakiilada, taas oo ay kaga dalbanayaan kulan dhexmara guddida
guurtida iyo shirgudoonka wakiilada maanta gelinka dambe, hase yeeshee
waxay warar xan hoose lagu helay sheegayaan in laga yaabo inaanu
Shirgudoonka Wakiiladu aqbalin kulankaas inay la yeeshaan guddida iyadoo
shirgudoonka Wakiiladu mawqif adag ka taagan yihiin arrinta khilaafka oo
ay u arkaan in Guurtidu xudun u tahay arrimaha laysku khilaafsan yahay. Top
Wakiilka
Jamhuuriya Ee Gobolka Awdal Oo Xabsiga Laga Sii Daayey |
Boorama, July 20, 2007 (Haatuf) – Wakiilka Wargeyska
Jamhuuriya ee Gobolka Awdal ayaa shalay xabsiga laga sii daayey kaddib
ergooyin ka kala socday ururada saxaafadda, madaxda Wargeyska Jamhuuriya
iyo ururada xuquuqal isnaanka ee fadhigoodu yahay Hargeysa ergo ugu
yimaaddeen madaxdhaqameedyada Beesha H/cafaan oo iyagu dacwad ku haystay
weriyaha Jamhuuriya ee Boorama.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, kulan ay dhexdhexaadiyeen Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud, Prof
Saleeban Axmed Guuleed, Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal Daahir
Maxamuud Xaddi, oo hore uga tirsanaan jiray warbaahinta, xildhibaan Axmed
Sh. Cali Ayaanle, Axmed Cabdillaahi Faqle iyo xubno kale, ayaa
aakhirataankii hoggaamiye-dhaqameedyada Beesha H/cafaan ka aqbaleen
ergedaasi sii deynta weriyaha Jamhuuriya.
Kulan ka dhacay dawladda Hoose ee Boorama ayaa waxay labada dhinac
istusaaleeyeen sida ay lagama maarmaanka u tahay in had iyo jeer
saxaafadda iyo madax-dhaqameedyadu uga wada shaqeeyaan wixii dan u ah
dadweynaha lagana fogaado wixii iska horkeeni kara labada dhinac.
Xadhigga weriyaha ayaa waxa uu ka dambeeyey kaddib markii xubno ka tirsan
beesha H/Cafaan ku eedeeyeen inuu ka been sheegay caleemo-saar beeshaasi
ku dooranaysay Suldaan cusub oo Boorama ka dhacay.
Dhinaca taliska ciidamada nabadgelyada iyo maamulka dawladda ayaa iyagu
horeba iskaga fogeeyey xadhigga weriyahaasi iyadoo madaxa C.I.Dda ee
Gobolka Awdal uu dorraad war ku saabsban xadhigiisa saxaafadda u sheegay
kaas oo uu ku caddeeyey inaanay dawladdu shaqo ku lahayn xadhigga
weriyahaasi balse xubno ka tirsan beelaha Awdal ku soo eedeeyeen inuu been
ka faafiyey arrimaha beesha H/cafaan.
Waa markii ugu horreysay ee mid ka mid ah beelaha Somaliland iyo
Saxaafaddu isku soo hor fadhiistaan arrimo dhex maray. Top
Muranka Iyo
Khilaafka Hala Iska Dhaafo Oo Danta Qaranka Ha Laga Wada Shaqeeyo
Baaq Mujaahidiin SNM-Ah |
Haddii aanu nahay Mujaahidiintii dalkan u
soo halgantay ee dabka iyo dhibaatada u soo maray dibu xorayntii
Somaliland kuna guulaystay Ilaahayna kula garab galay.
Beryan dambe waxa dhegaheena ku soo dhacayey muran iyo buuq u dhexeeya
golayaasha qaranka.
Haddii aanu nahay mujaahidiintii madaxnimadan idiin-kumaanaan dhiibin
inaad ummaddan ku dul murantaan ee waxa la idiinku dhiibay inaad dadka si
wanaagsan ugu talisaan.
Waxaanu leenahay waa inaad si degdeg ah u soo afjartaan khilaafaadka, wax
walbana ku dhamaysaan wada hadal iyo isu tanaasul, waayo murankan iyo
buuqani haday sidaa u sii socdaan waxay dhalinaysaa jaahwareer iyo oday ka
sheekee.
Hadaba dalkan lexejeclo ayaa naga haysa hadaanu nahay mujaahidiintii u soo
halgantay ee dhiigag u soo shubtay.
Waxaanu shacbiga reer Somaliland ee xalaasha ah ugu baaqaynaa inay meel
uga soo wada jeedaan nabad-gelyada ay maanta haystaan, cidii xumaan
dhexdiina ka wadana aad iska qabataan.
Waxaanu mar labaad leebahay waa inaad khilaafaadka soo afjartaan oo wanaag
ku dhamaysaan.
Magacyada Mujaahidiinta Baaqan soo Jeedisay
Muj Cali Jaamac Cawaale
Muj Ismaaciil Cali Qayre
Muj Maxamuud Cali Ciise
Muj Maxamed Maxamuud Boodhle[Waran]
Muj Sulub Jaamac
Muj C/raxmaan Axmed Xasan
Muj Maxamed Ciise
Muj Ibraahin Cabdi Yuusuf
Muj Cabdi Nuur Cige
Muj Maxamuud Kulmiye Hoori
Muj Cali Maxamuud Qayre
Muj C/raxiim Axmed Liibaan
Muj Maxamuud Xasan Cismaan
Muj Axmed Kureed
Muj Dayib Cali Cabdi Top
Xisbiga Kulmiye
Oo Cambaareeyey Cago-Jugleynta Iyo Cabudhinta Ay Xukuumaddu Ku Hayso
Ururka QARAN |
Hargeysa, July 20, 2007 (Haatuf) – Xisbiga
Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabooyinka
xayiraada, cago-jugleynta iyo is-hortaaga ah ee ay xukuumaddu ku hayso
urur siyaasadeedka Qaran, isla markaana uga digay inay ku talaabsato
talaabooyin kalis-talisnimo ah xukuumaddu oo carqalad ku keeni kara geedi
socodka dimoqraadiyada iyo nidaamka asxaabta badan.
Sidaana waxa uu xisbiga Kulmiye ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu
shala soo saaray guddoomiyaha xisbigaasi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),
waxaanu qoraalka war-saxaafadeedkaasi u qornaa sidan:
“Xisbiga Kulmiye, isaga oo taageeraya, horena u taageeray xaqa is-abaabul
ee muwaadiniintu u leeyihiin in ay isu abaabulaan sifo urur siyaasadeed,
waxa aanu cambaaraynaynaa xayiraada, cago-jugleynta iyo is-hortaaga ay
xukuumaddu ku hayso uurka qaran.
Xisbiga Kulmiye, waxa uu xukuumadda uga digayaa inay ku talaabsato
tallaabooyin kali-talisnimo ah oo keeni kara inay carqaladayso
geedi-socodka dimuqraadiyada iyo nidaamka asxaabta badan”.
Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Maxaad Ka Taqaanaa Amiiradii Diana? |
Diana Frances Spencer waxay dhalatay July 1,
1961, Diana waxay walaalo ahaayeen laba hablood oo ka weynaa oo kala ahaa
Sarah iyo Jane, iyo inan ka yaraa oo la odhan jiray Charles.
Diana markii ay da’deedu ahayd 6 jir ayaa waxa kala tegay hooyadeed iyo
aabaheed, waxaana caruurti oo ay ku jirto Diana xilkoodii garabka u ritay
aabahood.
Diana waxay waxbarasho loo geeyey iskuul boodhing ah hase ahaatee Diana
may ahayn ardayad ku fiican waxbarashada, balse Diana waxay ku fiicneyd
ciyaaraha (sports).
Diana markii ay dhameysay iskuulkii 1978 waxay bilawday inay shaqeyso
iyadoo noqotay mar Waitress (mudalabad), marna nadiifiso, laakin markii
danbe waxay noqotay macalmid wax ka dhigta iskuul lagu bar-baariyo
caruurta oo ku yaal London.
1980. waxay Diana is jeclaadeen Amiir wiilkii curad ee boqoradii
Ingiriiska ee la odhan jiray Queen Elizabeth II, wuxuuna Diana ka weynaa
12 sanno.
Diana iyo Charles oo ah inankii ay is jeclaadeen waxaa arooskoodu dhacay
July 29, 1981.
Arooska waxaa laga baahiyey 71 dal, waxaana daawanaayey 750 malyan oo qof
oo kala jooga daafaha dunida.
Balse nasiib darro mudo yar ka dib ayey Diana ogaatay in ninkan ay
guursatay uu weli jecelyahay gabadh hore uu ula sheekeysan jiray (girl
friend), waxaanay mar isku day-day inay is disho muran qoys owgii.
Hase yeeshee inkasta oo ay dhex-muquuratay muran qoys haddana labadeedii
caruur ahaa may dayicin Diana.
1992 Diana waxay go’ansatay inay shaaca ka qaado xidhiidhka murugsan ee ka
dhex aloosan iyada iyo odeygeedii Amiir Charles waxaanay si qarsoodi ah
ula shaqeysay qoraa la odhan jiray Andrew Morton oo qoraayey buug uu ugu
magac daray Diana sheekadeedi runta ahayd (Diana, Her True Story), hase
yeeshee ku lug lahaanshaha amiirada ee buugaas lama shaacin ilaa ay
dhimatay ka dib.
Murankii qoys ee dhex yaalay Diana iyo Amiir Charles wuxuu daaha
saarnaadoba waxaa la ogaaday December 9, 1992, waxaana Diana iyo amiir
Charles ay kal tegeen (is fureen) August 28 1996. waxaanay Amiira Diana
iyo Amiir Charles wada kafaalad qaateen caruurtoodii.
1997, Diana waxay is jeclaadeen Emad "Dodi" Fayed oo uu dhalay nin
bilyandheer ah (billionaire) oo ganacsade ah oo la yidhaahdo Mohamed
Al-Fayed, hase yeeshee jacaylkoodii wuxuu si lama filaana u soo afjarmay
August 31, 1997, markii labadoodaba ay ku dhinteen shil baabuur oo ka
dhacay Paris, iyada oo aduunka oo dhan ay qaadan waa ku noqotay dhimashada
deg-dega ah ee Amiira Diana.
Intaas ayeynu ku soo gaabineynaa taariikhda kooban ee amiir Diana.
Qore: Axmed Maxamed Muuse, Kampala, Uganda
Ma runbaa In
Somaliland Ku Dhaqmayso Nidaamka Xisbiyada Badan? |
Xukuumadda ayaa ku dhowaaqday mamnuucidda
ururada siyaasiga ah ee dalka ku soo biiraya, sida Ururka Qaran oo kale
ama Badbaado. Taas macnaheedu waa la igama daba furan karo xisbi
siyaasadeed. Haddii aynu dadweynoow sidaa isku raacno oo xukuumadda ku
taageerno, yeynaan berrito caban ee aynu ogolaano nidaamka saddexda
xisbi-keli-talis.
Ma runbaa in Somaliland ku dhaqmayso nidaamka xisbiyada badan? Mise
waxaynu qaadannay nidaam aan aduunka meel lagaga dhaqmaaba jirin oo ah
nidaamka saddexda xisbi?. Dal kastaa xor ayuu u yahay qaabka uu dalkiisa u
maamulayo, waxaana ka mas’uul ah dadka dalkaas ku nool. Bulshada reer
Somaliland waxay isla garteen in ay qaataan nidaamka xisbiyada badan ee
lagu tartamo. Waxay kaloo isla meel dhigeen in baarlamaanka ay u soo gudbi
karaan saddex xisbi qaran. Saddexdaa xisbi macnaheedu waa tartan-ka
dabadii in ay u soo gudbaan saddex xisbi oo aan magacooda la magacdhebin.
Lama Odhan Udub, Kulmiye iyo Ucid ayaa weligood saarnaanaya saaxadda
siyaasadda dalka. Taasi waa ceeb haddii sidaa laga dhigto jid.
Waxba yaanaan meermeerin ee dadweynoow adigaa garsoore ah. Kolba sida aad
u eegto ayuunbaa dalka lagu maamulayaa. Haddii aad maanta ka eegto dhinac
ama qof aad jeceshahay oo saddexdaa xisbi ee la magacdhebey ku jira.
Berritana ogoow oo mid aanaad jeclayn ayuunbaa saddexdaa kuu soo
horfadhiisan doona. Tartanku waa inuu ahaadaa joogto, waa in aan xisbina
isu arag inuu yahay kii weligii soo taagnaanayey, waa in xisbi kastaa
keenaa wixii uu dadka ku soo jiidan lahaa. Maalinta tartanku dhammaadona,
waa inuu aqbalaa go’aanka kama danbaysta ah. Haddii uu iska waayo saddexda
xisbi ee qaranka u soo baxay waa inuu sidaa ku qancaa. Waxaase yaab leh in
la yidhaahdo tartan xalaal ah ayaa la gelayaa, oo hadana la mamnuuco ururo
siyaasadeed oo dhan, aan ka ahayn saddex. Maxaa lagu macnayn karaa taa dee
waa kelitalisnimo hab cusub ee yaan la dhayalsan.
Waxa taa kasii daran in xisbigii la dhallliilayey ee la rabay in lala
tartamo uu isagii mamnuuci karo xisbi kasta oo ka daba dhasha. Alloow noo
sahal ammuuraha. Waa in aanay innaga qaldamin xukuumad iyo qaran. Qaranka
ayaa mamnuuci kara arrimaha noocaas oo kale ah. Oo waa ayo Qaranku waa
saddexda gole oo wada jir ah. Xukuumada, Baarlamaanka iyo maxkamadda oo
go’aanka sheegaysa. Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inay fuliso go’aanka
qaranku gaadhay, ee maaha inay iyadu wax kasta tahay. Waayo waaba xisbigii
xukunka hayey ee la dhalliilayey, sideebuu u qaadan karaa go’aan aan
qaranku gaadhin. Waxaase jira gol-daloolooyin farabadan oo dastuurka iyo
xeerka ka muuqda oo u baahan in la habeeyo. Tusaale ahaan waxa muuqata in
aan xilligan la geli Karin tartan siyaasadeed inta aan la sixin god-daloolooyinka
waaweyn ee ka muuqda qaabka doorashooyinka. Tusaale ahaan haddii saddexda
xisbi ee manta jiraa ay waayaan xisbinimada, oo haddana ay baarlamaankii
fadhiyaan, oo madaxweynihii sii yahay madaxweyne muddo sannad ku dhow,
miyaanay ahayn gol-daloolo weyn oo soo baxaysa.
Dadweynoow adigaa garsoore ah. Ha u riyaaqin xisbigii xukunka dalka hayey
ayaa joojiyey in laga daba furto xisbi siyaasadeed. Waa mid laga naxo.
Waxaynu ku sii siqaynaa “Saddex keli-talis nimo” Waa xaalad kala guur ee
dadweynoow adigaa garsoore ah. Sacabka ha u tumin nin kasta oo dan gooni
ah wata. Ha ka yeelin wax aanaad dhan walba ka eegin. Iska hubso talada
aan la ruugin. Maanta haddii la joojiyo xisbiyada siyaasiga ah. Berritona
maxaa xigi? Isweydii taa. Xeer kasta oo banii’aadam sameeyo waa qabyo,
waana in la qabyo tiraa, kolba meesha muuqata. Marnaba lama odhan karo
xeerarka dalkeenu way dhammaystiran yihiin. Waxaana loo baahan yahay
isfaham, dulqaad, tanaasul iwm. Looma baahna in maanta la isugu hanjabo
awoodda xukuumadda, goloyaasha iwm. Qofkastaa ra’yigiisa siyaasadeed waa u
xor. Waana in laga doodaa, ee maaha in la is af-xidho. Waxaan qoraalkan ku
soo afmeerayaa, ”Dadweeynoow adigaa garsoore ah”.
Nabad iyo caano
Sayid M Yuusuf
Sweden
Golayaasha JSL:
Daab-Gudimo Weli Sooma Jarin Wiilashaan Diray.. |
Salaamu Aleekum;
Marka hore waxa aan salaamayaa dhamaan umada xalaasha ah ee reer
Somaliland meel kasta oo daafaha duna ay ka joogaanba. Waxana aan Illaahay
inooga baryayaa in uu SAMIRKA aad samirteen inooga dhigo kii inoo horseeda
jidka aan higsanayno, oo nabad iyo caano ku danbeeya.
Waxana aan aad uga xumahay in xukuumadii ugu horeysay ee shicibka
Somaliland doorteen aanay "Sidii Ay Ugu Liseen Ugu Hanbeyn". Laakiin mid
runa oo uu walaalkeen Ducaale Hadalwanaaje II sheegay baa ahayd in
shicibku leeyahay maalintooda, xukuumada hada joogta iyo mucaaridka hada
joogaba in maalintaa lagala xisaabtami waa mid hubaal ah. Mid baa se iga
digniin ah kiinii xisbi u jibaysan, kiinii shaqsi u jibaysan, kiinii
qabiil u jibaysan iyo kiinii meelkale durbaanka looga tumayoow "YAAN
CODKIIN CIIL IDINKU NOQON". Somaliland way jiri ilaa iyo qiyaamaha,
laakiin Riyaale, Silaanyo, Ina Cali Waraabe, Gaboose, Maxamed Xaashi,
Saleebaan Gaal, Ciro, Samaale, iwm kuu doonaba ha ahaatee maalin uun buu
hooygii runta ahaa tegi (aakhiro), keenii nool iyo Somaliland ba way ka
hadhi.
Markaa hadii aad cid u hiilinayso Xaqa iyo Somaliland u hiili. "Lama
Huraan Waa Caws Jiilaal".
Midna waan odhan walaalkeen Ducaale Hadalwanaaje II; marka aad wax ka
hadlayso waxa walaaloow wanaagsan in dhaliisha halka ay leedahay, aad ku
beegto oo aanad meel kale danbiga la doonan. Dabcan golaha wakiilada
Somaliland khaladaad way leeyihiin, laakiin khaladaadkooda ka mid maaha
wada shaqayn la'aanta ka jirta Somaliland maanta. Waxa dumada danbigaa
iska leh xukuumada madaxweyne Riyaale, oo toos u diiday in ay la shaqayso
cid kasta oo isku dayda in wadanka sharciga u yaala lagu kala baxo. Golaha
Guurtida ee aad caraboowday koow bay ka yihiin in wadanku halka uu maanta
yaalo uu gaadho. Waayo iyaga ayaa hor fadhiya sharci kasta oo ka soo baxa
Golaha Wakiilada. Inaad ogtahay iyo in kale mooyee Golaha Wakiiladu waxa
ay sameeyeen ama wax ka badaleen 103 qodob oo wadanka wax u tari lahaa
hadii lagu dhaqmo. Waxa la baas gareeyey in ka yar 1% ama boqolkiiba koow.
Iyaga shaqadoodu waa in ay dalka sharci uu ku dhaqmo u sameeyaan iyo in ay
miisaaniyada wadanka maamulaan. Sharcigii in lagu dhaqmo oo uu dhaqaaqo
waxa diidan Xukuumada, Guurtida iyo Maxkamada Qaranka. Aakhiro meel la
tago leh ee halka ku haboon dhig eeda. Aniga Ciro iyo Samaale midna
aboorka iga celin maayo. Adigana Riyaale iyo Saleebaan Gaal midna aboorka
kaa celinmaayo. Hadii nin samir leeyahay marka ay timaado siyaasada
murugsan ee Somaliland waa Gudoomiyaha Wakiilada Mudane Ciro, oo geed
dheer iyo mid gaaban u fuulay in uu wada shaqayn fiican la yeesho Riyaale,
laakiin waxa taladaas diiday waa Xukuumada. Markhaati madoon weeye in
markasta oo la isu yimaado oo la yidhaa hala xaliyo siyaasada murugsan ee
Somaliland, halka sartu ka qudhunto ee ay ka dhaqaaqi waydo waa xukuumada.
Mayd maxaa u danbeeyey waa kaa la siisido; madaxweyne ku xigeenka
Somaliland balantii uu qaaday ee u danbaysay, wali waa la sugayaa. Waxa
Golaha Guurtidu uu ku jiraa jeebka Xukuumada. Hadii Illaahay laga baqayana
waa markhaati madoon. Maxkamada aad caraboowdey, waxa ay ku jirtaa jeebka
Xukuumada. Hadii aad markhaati u baahatana, waxa aad dib ugu noqotaa halka
ay u xagliso mar kasta oo muran sharci ah uu wadanka ku yimaado oo u
dhexeeya golayaasha qaranka. Godoomiyaha maxkamada oo hadii dawlad
sharciga u dhaqantaa maruun wadanka ka dhalato inta aan noolahay, sharciga
la horkeeni doono. Isaga oo noqdey "Nin Soori Kaa Qaaday Waa Nin Seefi Kaa
Qaaday" oo illoowbay kitaabkii uu gacanta saaray iyo dhaartii sidii
Cabdillahigii (Jawaan) saqiirey ee Komiishanka Qaranka, kuna doodayey in
uu UCID uga hiiliyey Sahan xiligii doorashooyinka iyo in uu UDUB uga
hiiliyey Kulmiye xiligii doorashooyinka. Dil buu istaahilaa, laakiin kuwa
Kulmiye in ay soo xaraystaan ma istaahilo. Iyaga ayaaba ka liita, hadii
ninkii kitaabka ka beenta sheegay ay soo xaraysteen. Lacagtii loogu shubay
Dubai ninka maxkamadaha haysta iyo intay leekayd si uu wadanka iyo
sharcigiisa u curyaamiyo maalinteeda iyo maxkamadeeda ayay leedahay.
Midna waan ku soo gunaanadi hadalkayga. Aniga xisbigaygu waa Somaliland (UDUB,
UCID iyo KULMIYE minda ma ihi). Hadafkaygu ka wayn, nin jeclaysi iyo reer
jeclaysi. Wadanka waxa aan jecelahay in qof kasta oo muwaadin ahi in uu
sharciga u sinaado. Kooda lacagta leh iyo kooda faqiirka ah. Kooda ka yimi
Ceerigaabo iyo kooda ka yimi Ceel Sheekh waa in sharciga u sinaadaan.
Kooda maamulka ku jira iyo kooda mucaaridka ahi waa in ay sharciga u
sinaadaan. Waa in waxa yar ee aan haysano muwaadiniintu u sinaadaan oo dad
gaara iyo cid gaari ihi waa in aanay ku takri falin. Waa in ninka madax
laga dhiganayo la ogaadaa dhaqaale intii uu haystay inta aanu maamulka ka
qayb galin, marka uu kabaxana waa in la ogaado waxa uu kala tago, si aan
hantida umada sida la doono loogu takri falin inta maamulka markaa jiro
shaqsigu uu ka midka yahay. "RUNTU RAGA MA DISHO EE WAY KA NIXISAA"
"AAKHIRANA MEEL LA TAGO LEHE" Riyaale iyo xukuumadiisu "SIDII AANU UGU
LISNAY NOOGUMAY HANBAY". Waxa aanu kula xisaabtamaynaa wax qabadkooda
shantii sano ee ay xilka hayeen, taariikhduna way qori bari ka maalin in
lagu hoobtey iyo in kale. Kiinii jecel iyo kiinii neceba; kuwani way tagi
bari ka maalin, waxaad inoo baridaan in Illaahay inoogu badalo qaar
muwaadiniin ah, oo xaaraanta iyo xalaashu u kala soocan tahay. Oo dabka in
ay damiyaan mooyee aan isku dayin in ay dab ina dhexdhigaan si kursiga
loogu sii dheeraysto.
Illaahay ha u gargaaro dhulkeena hooyo. Nabad iyo Caano ayaan ka barinay
in uu inoogu deeqo. Kii ku kufriya iyo kii kanaxay iyo kii ka guurayaba
Somaliland way jiri oo joogi ilamaa qiyaamaha.
Daarood, Hawiye, Isaaq, Dir, Samaroon, Ciise, Gabooye, Akishe, iwm
Somaliland midna u joojin mayso kii aan rabinoow sii ruqaansoo raxmad nagu
dhaaf.
Long Live Somaliland
Rashiid Cabdi, USA Top
|