Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1482 July 31, 2007

“Madaxweynaha Waxaan U Sheegay In Maanta La Marayo Halkii 1982-kii Ay Maraysay [Xukuumaddii Siyaad Barre] La Marayay..Ninka Leh Ha Aqbalin…”
Dr. Cumar Dixood, Wakiilka raadinta aqoonsiga Somaliland

Maxaa Ka Soo Bixi Kara Dhexdhexaadinta Golaha Guurtida Iyo Hab-Dhaqanka Madaxweyne Rayaale?

Furitaankii Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Iyo Xulalka Kubadda Cagta Ee Saaxil Iyo Awdal Oo Is-Barbareeyay

“Ma Jiro Muwaadin Ka Sareeya Sharciga Dalka Oo Aan La Xidhi Karin, Masuuliyiintanina Waa Masuuliyiin Aan Ku Jirin Inta Dastuurku Siiyey Dhowrsanaanta”
War-Saxaafadeed –Afhayeenka Xisbiga UCID

Wasiirka Dib U Dejinta Oo Difaacay Xadhiga Xukuumaddu Kula Kacday Masuuliyiinta Qaran, Dafirayna In Jawaabtiisu Ay Daaran Tahay Bayaan Ay Beeshiisu Hore U Soo Saartay

Suldaanka Beesha Sacad Muuse Oo Xadhigga Hoggaamiyeyaasha QARAN Ku Tilmaamay Af-duub

Suldaanka Beesha Sacad Muuse Oo Xadhigga Hoggaamiyeyaasha QARAN Ku Tilmaamay Af-duub

War-Murtiyeed Ay Beesha Muuse Care Ka Soo Saareen Xadhigga Hoggaamiyeyaasha Qaran

Oday Aadan Xaashi Cilmi Oo Cambaareeyey Xadhigga Masuuliyiinta Ururka Qaran

DOODII TODOBAADKA

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dadoow Mayla Aragtaan?

Madaxweyne Waxaad Doonto Samee, Xabsibaa Ku Huran


“Madaxweynaha Waxaan U Sheegay In Maanta La Marayo Halkii 1982-kii Ay Maraysay [Xukuumaddii Siyaad Barre] La Marayay..Ninka Leh Ha Aqbalin…”
Dr. Cumar Dixood, Wakiilka raadinta aqoonsiga Somaliland

Hargeysa, July 31, 2007 (Haatuf) – Sarkaalka xukuumadda Somaliland u qaabilsan ictiraaf raadinta wadamada Yurub, Dr. Cumar Dixood ayaa cambaarayay xadhigga ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale xabsiga Mandheera ugu taxaabtay Masuuliyiinta sare ee Urur-siyaasadeedka Qaran, xadhiggaas oo uu Dr. Dixood ku tilmaamay inuu yahay mid aanay geyin siyaasiyiintaasi, isla markaana uu ka mid yahay waxyaabihii ay ummaddani ka dagaalantay.

Sidaana waxa uu Dr. Cumar Dixood u sheegay weriyeyaal ka kala socday Haatuf, SLTV iyo Radio Horyaal oo shalay wax ka weydiiyay isagoo Hargeysa ku sugan aragtidiisa ku aadan xadhigga xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku xidhxidhay hoggaanka urur-siyaasadeedka QARAN oo kala ah: Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahi, kuwaas oo tan iyo Sabtidii toddobaadkan xamsiga Mandheera ay rumaan ugu dirtay Maxkamadda gobolka Hargeysa.

Ugu horeyn Dr. Cumar Dixood oo cabiraya sida uu arko xadhigga siyaasiyiinta QARAN, waxa uu yidhi: “Waxaan u arkaa inaanay Somaliland u wanaagsanayn xadhig maanta lays xidhxidho, sababo uu xadhigani ku yimidna anigu ma arko mana aha wixii loo dagaalamay iyo wixii laga dagaalamay midnaba maaha, waxa la odhan karaa wixii laga dagaalamay weeyi. Maxamed Xaashi Cilmi wuxuu ka mid ahaa 12-kii nin ee aanu ku wada aasaasnay SNM, maba geyo xabsi ilaa uu gacantiisa dambi cad ruux ugu geysto ama dalka uu ku dhibo oo uu burbur ka yimaado mooyaane, wixii siyaasad ah hadduu ka hadlayo xabsi kuma geyo in lagu ammaano mooyaane.”

S: Raggan waxa lagu eedaynayaa oo ay xukuumaddu sheegaysaa inay ku gefeen dastuurkii qaranka, nabadgelyadii iyo shuruucdii dalka oo ay samaysteen urur sharci-darro ah, isla markaana ololayaal siyaasadeed bilaabeen iyadoo wakhti doorasho la joogin, taasi miyaanay ahayn sharci lagu xidhi karo?
J: Horta arliga waxa la yidhi siyaasadda waa loo madax banaan yahay, dadku ururo ayay samaysan karaan, xisbigii Hanti-wadaaga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre dalka kama taliyee dalka waxa ka taliya wixii dadku ay u dagaalameen ee ay doonayeen, maaha sharciga ama dastuurka ruux walbaaba siduu doonayo u akhristo iyo siduu u jecelyahay. Markaa anigu ma qabo nin yidhi urur baan la soo baxayaa oo dadkaan la hadlayaa oo gobolada, degmooyinka, xaafadaha ayaan mabda’ayga ka soo dhaadhicinayaa.

S: Waa markii u horeysay ee niman siyaasiyiin ah oo afkaar siyaasadeed oo ay qabeen lagu xidhxidhay, adiguna waadigii ictiraafka raadintiisa dalka ugu maqnaa, taasi saameyn intee le’eg ayay ku yeelan kartaa aqoonsigauu dalkani caalamka ka doonayay?
J: Marka ugu horeysa Somaliland waxaynu u doonaynay ictiraaf, inaga ayaa dawlad isku magacowna, inaga ayaa dawlad isu aqoonsan, sababtuna wax kaleba maahee bacdamaa aynu nahay dad kala dambeeya oo axsaabteedii siyaasadda iyo dawladii ay yidhaahdeen waanu wada shaqaynaynaa, caalamku waxay naga aqbaleen inaynu nahay maamul jira, markaa waxaynu nahay dad doonaya wanaagooda inay caalamka ka iibiyaan, waxaanan ku masaali lahaa waxaynu nahay dad doonaya gabadh inay guursadaan oo reer u soo geed fadhiistay, oo waxaad doonaysaa inaad caalamka ka hesho ictiraaf, waxaad doonaysaa reer inaad la xidido oo kale, haddii la yidhaahdo duleedkii bay isku haystaan nimankii gabadha inaga doonayay, dee dermadaa lagaa duu-duubanayaa. Sidaa daraadeed marka dal aan laba ictiraafin oo doonaya adduunka inuu ka helo aqoonsi – kuwii la ictiraafsanaa ayaan la ogolayn ruux inay xariijin u geystaan ama tukhaantukhiyaan, - nin aan ictiraaf haysan inuu isagii wax xidhxidho oo askarigii alif iyo laba alif sidan oo wax derajo ah oo uu sitaa aanay jirin, raggaasi markay raggaa qabqaanayaan haddii xabad laga horkeeno yaa masuuliyadeeda qaadaya, faylalba malaha ragga wax qabqabanayaa. Anigu waxaan qabaa Somaliland dhaawac weyn baa soo gaadhaya, waana sabataaj baan qabaa Somaliland ictiraafkeeda la sabantaajayo.

S: Waa ayo cidda sabantaajaysaa, si cad bal u sheeg?
J: Dee waa ciddaa xidhxidhay.
S: Cidda xidhxidhay waa’ayo?
J: Waxa weeyaan dadka Maxkamad sheegtay ee yidhi markaanu eegnay sharciga, markaanu eegnay qoddobka caynkaas ah, balaayuu eegay ee wax uu eegay ma jirto, isagaa leh dambigeeda oo qaadaysa ninka waxaas oo kale soo qoraya ee leh wax baan arkay ma wax aanu dadka kale arkayn buu arkay.

S: Muran badan oo siyaasi ah baa dalka ka jira, mid u dhexeeya Wakiilada iyo Xukuumadda, mid u dhexeeya Wakiilada iyo Guurtida, muranadaasi sidee bay saamayn ugu yeelanayaan hawshii aad Somaliland u qaabilsanayd ee ictiraafka?
J: Arrintii aanu Somaliland u qaabilsanayn shalaytana [dorraad] baarlamaanka Ingiriisku wuu noo sheegay wasiirkii wuxuu yidhi wixii aad Maxamed Siyaad Barre ku eedaynayseen sawirkii oo kale ayaa idinka muuqda ee ha qaadanina sawirkaas, cid dambe oo aad xidhxidhaan iska ilaaliya. Maanta waxaad moodaa maalintaynu toban tallaabo qaadnaba, mar aynu inan [gabadh] yar oo waallan xidhno, mar aynu nin suxufi ah oo wax qoray oo ay ahayd in Maxkamad uun la soo taago aynu isku duubno, mar aynu siyaasiyiintii dalka ee dalka u soo halgantay xidhxidhno iyagoon mudaharaadna samayn, burburna aan geysan. Anigu waxaan qabaa inay tahay jar iska tuur, ragga Madaxweynaha arrintan kula taliyayna maaha la-taliyeyaal wanaagsan, anigu ma qabo inay Madaxweynaha oo qudha arrintani ka timid, waxaan qabaa inay dad odhanayaan sidaas iyo sidaas baa dalka u wanaagsan. Waxase loo baahan yahay in ninkastaa ogaado hadduu baarlamaanka yahay, hadduu wasiir yahay iyo hadduu Madaxweyne yahay dalkani tubtii ictiraafka lagu raadin lahaa buu ku jiraa, dalkani maaha dawlad la ictiraafsan yahay, nin halgan ugu jira in la aqoonsadaa maaha inuu wax xidhxidho.

S: Muddo badan baad dalka joogtay waxyaabo badan oo dalka ka dhacayna waad u soo joogtay, marna Madaxweynaha mala kulantay oo makala hadashay xaaladda dalku halka ay marayso, adiga laftaaduse talo ma ula tagtay, goormayse ahayd?
J: Haa, Axadii horena Madaxweynaha waan la joogay ilaa 40 daqiiqadood, habeenkii Sabtidu soo galaysayna waan la casheeyay. Anigu wejigii uu i tusay Madaxweynuhu weji kan ka duwan ayuu ahaa, hadduu ii ifin lahaa kuma taageereen waanan ka joojin lahaa si arrintani ay u dhacday anigu ma garanayo, iigamana muuqan [Madaxweynaha], waxaanu balan iiga qaaday inuu doorashooyinka qabanayo, wax alaala wixii is-hortaagayana uu ka fogaanayo, waxaananu isla soo qaadnay maanta caalamku sida ay inoo arkayaan, waxaan idhi ‘meel xun iyo meel wanaagsanba waynu maraynaa, haddii maanta waan kuu sheegayaaye aynu doorashadaa maanta si aan xag-xagasho ku jirin kaga baxno ictiraaf dambe oo aynu cid uga baahannahay ma jirto, caalamkuna doorashadan wuu soo eegayaa, haddiise aynu dimuqraadiyadaa taageeran wayno oo aynu wada-tashan wayno oo aynu baarlamaankeena, wasiiradeena iyo Madaxweynaheena maalinkasta is-dhex fadhiisan waayaan oo wixii ay isla garan waayaan iyagoo wada-fadhiya muddo saddex casho ah ku xalili waayaan oo warqado uun laysku qorqoro, arligan ictiraaf loo raadinayaa ma jiro, waana been, waxaana jira shirqool arligan lagu haligayo, anigu waxaan qabaa inuu Madaxweynuhu fadhiga ka kaco oo baarlamaankiisa u tago. Weliba Madaxweynaha waxaan u sheegay habeenkii isugu kaaya dambeysay in la marayo 1982-kii halkii la marayay. Waxaan idhi Maxamed Siyaad Barre iyo xukuumadiisii burburtay ragga aanu ka aragnaa waxay yidhaahdaan haddii arrintu markii ay bilaabmaysay wax laga qaban lahaa dawladiina way badbaadi lahayd Soomaalina way badbaadi lahayd. 1981 iyo 1982 markaanu halganka bilaabaynay safaaradii Maxamed Siyaad Barre iyo diblomaasiyiintiisii waxay naga codsan jirtay laba hal labadaba naga daaya, waxaad noo ogolaataan inaynu wada hadalno oo wada-hadal la’aanta naga daaya, mudaharaadkana naga daaya, waxkasta na weydiiya, anaguna labadaas ayaanu ka diidi jirnay oo waxaanu odhan jirnay mar hore ayay ahayd inaad taas garataan, annaga maanta halgan baa noo bilaabmay haddii aanu joojino dhabarkaanu ka jabaynaa. Maanta halkay maraysaa waxaan qabaa 1982-kii halkii arrintu maraysay haddaan labada cisho ama 24 saacadood ee soo socda nimankaa xabsiga laga sii dayn. Nimanka nabadgelyada ee bileyska iyo Maxkamaduhuna waa inay dhex u noqdaan siyaasiyiinta, haddiise ay noqdaan niman hadba ninka xukunka hayaa uu diro sida Eygii Ina Beenaale, wax alaala wax hagaagayaa ma jirto, wax xumaanaya mooyaane, dadkana nin nin ka baqanayaa ma jiro. Dadku imika ictiraaf ma haystaan yididiilo ayay ku noolaayeen, haddii ictiraafkii xabsi loogu bedelo oo aynu arkayno waxa Xamar ka dhacaaya nin kastaaba wuu quusan, nin dambe oo la soo joojinayaa ma jirto, hadalkaasina waano iyo canaanba wuu iga yahay, wax badan baan ogahay, dadka maskaxdooda waxa caawa ku jira baan garanayaa, laba bileys ah oo la dirsadaa way dhaqaaqi oo nin way soo qaban, laakiin ma sii socon doonto, nimaan ictiraaf haysana berito cidi fiiso siin-mayso, albaabadana laga furi maayo, markaa la ogaado dalkaaga, siyaasiyiintaadii iyo shicibkaagii in aanay raali kaa ahayn..Maya [No], caalamka qolooyin Human Rights Organization la yidhaahdo ayaa ka taliya, cidii rikoodhkoodu xumaado wuu xumaaday. Waxaan leeyahay doorashada yaaln lagu galgalanin, yaan lays hortaagin, axsaabtuna wixii is-hortaagay tanaasul haka sameeyeen, waa in maanta doorashada loo diyaar-garoobaa duruufo kastoo yimaadana waa inaan la odhan doorashada dib haloo dhigo.

S: Kulankii Axadii aad Madaxweynaha kula kulantay waxa la sheegay inay jireen waxyaabo aad isku af-garan waydeen oo aad ku kala tagteen, maxaa ka mid ahaa arrimahaas haddii ay jiraan?
J: Axadii dorraad inay ahayd baan u malaynayaa markii nimanka la qabqabtay, Madaxweynaha waan u tegay, waxaan ku idhi Madaxweyne arrintan ma dhab-bay [serous) kaa tahay. Haa buu yidhi. Maxaa jira baan idhi, wuxuu yidhi nimankani fawdo ayay wadaan, 18 xisbi ayaa la doonayaa in dalka laga sameeyo. Waxaan idhi waxay doonayaanba ha yidhaahdeene mar haddayna mudaharaad samayn dhibaatana aanay geysan, burburna aanu iman, hala iska daayo, mar haddii aydaan diiwaangelinayn iyagaa iska daaliye, wuxuu yidhi inay liisan qaataan bay ahayd., dee soo maydaan u diidin baan idhi. Markaa waxaan idhi waxa laynoo diray ictiraaf ee laynooma dirin inaynu wax xidhxidhno. Nimankan halayska daayo, markaa waxaan u malaynayaa inaanu [Madaxweynuhu] jeclaysan oo dad hortood ayaan kula hadlay, kulamanaan hadleen dadkaa hortiisa ee wixii aynu soo marnay ayaa kulaylka iga keenay. Hadalka Madaxweynaha ninka kula dhacayaa beritona waa ninkay nabadu ka gu’I kartaa, laakiin ninka leh ku dhaqaaq oo ha aqbalin waa ka goor dhow wax alaala wuxuu colaadda ka tarayaa jirin. Maanta waxaan leeyahay xaalad adag baa jirta, Madaxweynahana yaanay dhicin inuu sharaftiisa waayo, isaga iyo dalwadiisu, ragga wasiirada ahna waxaanu ka codsanaynaa inay Madaxweynaha talo wanaagsan siiyaan.

S: Maadaama ay waxyaabo badan oo dhaliilo ah sheegtay, xukuumaddana aad ka tirsanayd oo aad xil u haysay mayska casilaysaa, mise waad ku sii jiraysaa?
J: Walaahi degdegu ma fiicna, bal horta tan iyo muddo waan sii baxnaanin doonaa, waayo, meel lagu kala hadho iyo meel lagu kala tago, waxaan u malaynayaa waxani waa bilow haddii ay isbedeli waydo oo lagu adkaysto aniga ayay ii taallaa wixii aan samaynayo, waayo, umaba malaynayo markaa waxbaba in la gaadhay, laakiin wakhtigan xaadirka ah wax hadal ah oo iga soo baxayaa ma jirto. Barnaamijkana waxaan ugu talo-galay in loo qaato in ay ku jirto talo, waayeelnimo iyo odaynimo waxaan ahay dadkii hadli lahaa, waxaan ahay ninkii England ka aasaasay arrimahan intii aan SNM-ba la samayn, markii aan sannad iyo badh hoggaaminayay halgankii Somali United Kingdom Organization ayaan Maxamed Xaashi-gaa xidhan cajalad u diray, waxaan idhi sannad iyo badh ayaanu mudaharaadaynaa waxaanu doonaynaa qolooyinkiina xanta iyo baroorta isla dul taagani inaydun noo timaadaan. Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi-na bishii September 1979 oo London intuu nagaga tegay waxaan ku idhi halkaa markaad dhawaaqayga ka maqasho adiguna Hargeysa ka kac. Markaa dadkayagii caynkaa ahaa in maanta ay qaar xabsiga jiifsadaan.. waan ka xumahay, mana doonayo ….. [Dr. Cumar inta ay indhihiisa ilmo ka soo daatay ayuu hadalka intaas kaga baxay].

Top


Maxaa Ka Soo Bixi Kara Dhexdhexaadinta Golaha Guurtida Iyo Hab-Dhaqanka Madaxweyne Rayaale?

Faallo: Maxamed Sagax

Dhacdadii Maalintii Sabtidii todobaadkan ay xukuumada Rayaale xabsiga Mandheera ugu taxaabtay hogaamiyeyaasha sarsare ee urur siyaasadeedka Qaran oo kala ahl Dr. Maxmed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo xadhigooda ay wasaarada arrimaha guduhu ku sababaysay dhego-adayg iyo amar-diido ay ka sameeyeen wareegto ay ka soo saartay dhaqdhaqaaqa iyo jiritaanka ururka Qaran oo ay ku mamnuucaysay, kuna tilmaamtay mid aanay u hogaansamin.

Talaabada xadhiga hogaamiyeyaashaasi ayaa waxay shacbiga Somaliland ee ku kala sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisu ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, isla markaana xad-gudub ku ah xoriyaadka iyo xuquuqda muwaadiniinta uu dastuurku u siiyey isu-habaynta iyo isku abaabulka ururada siyaasiga ah , hase ahaatee talloobooyinka xad-gudubka ah iyo xadhigyada xukuumada Rayaale ay ku kacdo mudooyinkan dambe ayaa u muuqda qorsheyaal lagu xagal-daacinayo geedi-socodka dimoqraadiyada iyo guud ahaanba xasiloonida dalka, iyada oo dadka indheer-garadka ahi ee aragtidaasi qabaana ay daliil uga dhigayaan talaabooyinka sharci darrada ah kuwo loogu gogol xaadhayo sidii dalka xukun deg-deg ah loogu maamuli lahaa, isla markaana loo laabi lahaa sharciyada iyo qawaaniinta dalka u yaala, iyada oo aragtida noocaas ahna ay dadka siyaasada ka hadlanaa ay gundhig uga dhigayaan talaabooyinka iyo hab-dhaqanka uu madaxweyne Rayaale kula kacay golihii wakiilada ee la soo doortay, sida uu shuruucdii iyo xeerarkii ka soo baxay u hor-istaagay, una daadefeeyey, gaar ahaan ansixintii miisaaniyada 2007, ansixintii xubnaha komishanka doorashooyinka oo ay dhamaantood golaha wakiilada go’aan gole ku ansixiyeen, ayaanu ilaa hadda madaxweyne Rayaale haba yaraatee aanu waxba ka fulin, iyada oo arrimahaasina ay barbar socdaan sidii sharciyada iyo qawaaniinta dalka xad-gudubka ku ahayd ee uu markaliya golaha Guurtida muddo afar sannadood ah xilkii ugu kordhiyey, iyada oo ay sidaa tahay oo waliba ay shicibku amakaag ka qabeen talaabadii xadhiga iyo xukun qar-qooshka ahayd ee lagu fuliyey horaantii January, 2007 masuuliyiinta Haatuf oo waliba ku dhaqankii xeerka saxaafada ee ay goleyaashu ansixiyeena ay maxkamada sare ku tilmaamtay xeer-nidaamiye maamul oo aan lagu shaqayn karayn.

Markaynu arrimahaasi sharci darrada ah ee soo wada dhacay ee hadana dhacaye aynu eegno oo ay ugu dambeysay talaabadan xad-gudubka ah ee lagu laalay hogaamiyeyaashaasi qaran oo iyagu ku doodayay xuquuqdooda urur siyaasadeed, miyaan la odhan karin markaasi uu madaxweyne Rayaale arimahaasi oo dhan si badheedha oo sharciyada baalmarsan uu ku meel-marsaday maxaa u diidaya inuu yidhaahdo xukun milatari ayaan dalka ku dhaqayaa, dadkana aan ku xukumayaa, waxa la yidhi “doqonta usha agteeda ku dhufo , haday garan-weydana goga u geli”.

Hadaynu u soo noqono doorashooyinka kaabiga ina soo saaray iyo xaaladaha cakiran ee uu maamulku dalka geliyey iyo golaha Guurtida ee isku cumaamaday xalinta khilaafka goleyaasha qaranka, maxaa ka soo bixi kara golaha Guurtida iyo xaaladahaasi socda ee khatarteeda leh.

Top


Furitaankii Tartanka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Iyo Xulalka Kubadda Cagta Ee Saaxil Iyo Awdal Oo Is-Barbareeyay

Hargeysa, August 01 /2007(Haatuf). Waxa shalay si rasmiya uga bilaabmay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium iyo garoonka kubadda kolayga ee Tima Cadde ee Magaalo madaxda Somaliland Hargeysa.

Munaasibad aad u balaadhan oo oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa shalay galinkii dambe ka dhacday Hargeysa Stadium, halkaasi oo uu ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Md Maxamuud Maxamed Siciid, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ciyaaraha Mr Axmed Maxamed Siciid, Agaasimaha waaxda Ciyaaraha ee wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Mr Maxamed Axmed Shire (Sacad), gudoomiye-yaasha xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha, masuul sare oo ka socday hay’adda tartankan maal galisay ee UNFP marwo Saado Salaado Rooble, masuuliyiin ka kala socday shirkadaha Isgaadhsiinta iyo agaasimayaasha ciyaaraha ee gobolada. Waxa kale oo munaasibadaasi si balaadhan uga soo qayb gashay saxaafadda dalka ee kala duwan iyo ciidamada Baanboda ee bilayska.

Munaasibadan oo u dhacday si diiran waxa furay wasiirka wasaardda dhalinyarada Iyo ciyaaraha Md Maxamuud Maxamed Siciid, halkaasi oo uu ka jeediyay wasiirku khudbad gaaban, oo uu ugu mahad naqay dhamaan dhinacyadii ka qayb qaatay qaban qaabadii tartankan, waxa uu wasiirku si gaara mahad naq ugu soo jeediyay hay’adda UNFP oo iyadu maalgalisay tartankan, shirkadaha isgaadhsiinta dalka ka jira ayuu iyagana uga mahad naqay gacantii ay ku lahaayeen qabashada tartankan.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku kaga hadlay xafladdii uu shalay ku furay ciyaaraha sida ay wasaaraddiisu mar kasta ugu heelan tahay horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka ka jira iyo dhiiri galinta da’yarta, isaga oo kula dardaarmay ciyaartoydii goobjooga ahady iyo dhamaan bulsho weynta ka qayb qaadata daawashada ciyaaruhu inay ilaaliyaan anshaxa iyo amaanka, iyo inay kooxaha ciyaarayaa ku dadaalaan sidii ay u soo jiidan lahaayeen daawadayaashooda iyo inay soo bandhigaan ciyaar wanaag si ay u dhiiri galiyaan ciyaaraha dalka.

Waxa uu wasiirku xusay in sanadkan tartankan oo ah kii shanaad ee gobolada Somaliland uu ka duwan yahay kuwii hore, waxa uu yidhi wasiirku, “ sanadkan waxa uu kaga duwan yahay tartankani kuwii hore, waxa ciyaartoyda laga soo xulay dhamaan degmooyinka uu gobol kastaaba ka kooban yahay, iyo inay ciyaarayaan ciyaartoyda heerka labaad”.

Waxa uu ugu dambayn kula dardaarmay inay ciyaartoydu si fiican uga soo baxaan waajibaadka ay goboladoodu u soo igmadeen.

Waxa kale oo isna furitaankii shalay munaasibaddaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Mr Maxamed Axmed Siciid. agaasimuhu waxa uu ugu horayn mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhamaan dhinacyadii ka soo qayb qaatay tartanka gobolada, isaga oo si gaar ah ugu mahad naqay Hay’adda maal-galisay hawshan ee UNFP iyo shirkadaha isgaadhiisnta, isaga oo halkaasi ku soo dhoweeyay dhamaan ciyaartoyda gobolada iyo agaasimayaasha ciyaaraha ee gobolada ka qayb qaadanaya tartankan, isaga oo si kooban uga xog waramay qiimaha ay ciyaartu u leedahay bulshada iyo in si guud loo ixtiraamo sharciga ciyaaraa.

Waxa ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadlay ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee wasaaraddaasi Mr Sacad, isaga oo halkaasi kula dardaarmay ciyaartoyda iyo inay si fiican uga soo baxaan waajibaadkooda, waxa kale oo isna
halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Mr Cabdirashiid Yaasiin Caydiid, oo u mahad naqay dhamaan ciyaartoyda iyo agaasimayaasha ciyaaraa ee gobolada.

Ciyaartii furitaanka
Waxa nasiib u helay ciyaartii furitaanka ee kubadda cagta gobolada labada xul ee Saaxil iyo Awdal, halkaasi oo ay ciyaar aad u qiimo badan oo degan ku soo bandhigeen, intii ay ciyaartu sucotay waxay dhagahaagu maqlayeen sawaxanka taageerayaasha labada kooxood ee Tarabuunada oo si weyn loo buux dhaafiyay.

Inkasta oo ay labada kooxood ciyaar adag soo bandhigeen haddana umay suurto galin inay wax goolal ah kala helaan, qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxda gobolka Awdal lahayd gacanta sare, laakiin markii dib loogu soo noqday garoonka ayay wax weyn ka badashay ciyaartii ka dib markii ay samaysay isbadal.

Si kastaba ha ahaatee labadii kooxood ee Awdal iyo Saaxil waxay isla dhaafi waayeen 0-0, maantana waxay ciyaar xiiso badani dhexmari doontaa labada xul ee kubadda cagta gobolada Hargeysa iyo Togdheer.
Dhinaca kale ciyaaraha fudud ee orodada ayaa shalay ka dhacay Hargeysa Stadium, orodkaasi oo ahaa ka 100M ah ayaa waxa ku tartamayay ciyaartoy matalaysay lixda gobol ee dalka, tartankan orodada oo ahaa isreeb reeb ayaa waxa gobol kasta u ordayay afar ciyaartoy oo lababa mar ordayeen, waxaana labada wareeg mid kasta soo baxayay afarta ciyaartoy ee ugu horeeya, labada wareeg waxa mid kasta ka soo gudbay afar ciyaartoy sideedaasi ciyaartoyna waxay markale isku arki doonaan finalka. Labad ciyaartoy ee ugu dheereeyay ama kaalinta hore shalay galay waxay kala ahaayeen Cabdishakuur Xaashi Barkhadle oo ka socday Gobolka Awdal iyo C/qaadir Abiib Xassan oo ka socday Gobolka Hargeysa, dhamaan ciyaartoyda kalana aad ayay iskuugu dhowaayeen dhinaca ilbidhiqsiyada.

Top


“Ma Jiro Muwaadin Ka Sareeya Sharciga Dalka Oo Aan La Xidhi Karin, Masuuliyiintanina Waa Masuuliyiin Aan Ku Jirin Inta Dastuurku Siiyey Dhowrsanaanta”
War-Saxaafadeed –Afhayeenka Xisbiga UCID

Hargeysa, July 31, 2007 (Haatuf) - Xisbiga UCID ayaa sheegay in masuuliyada 1-aad ee kaalinta nabad –gelyada ay leedahay xukuumaddu, isla markaana muwaadin kasta ay xukuumaddu xidhi karto hadii loo tuhmo arrimo khalkhal gelin kara nabadgelyada. Waxa kale oo ay sheegeen in masuuliyantan xidhani aanay ku jirin masuuliyiinta uu dastuurkeenu siiyey dhawrsanaanta.

Waxaana xisbiga UCID sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka xisbiga UCID Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), qoraalka warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qorna isaga oo dhamaystiran sidan:

“Maalintii 28-kii July 2007, waxay xukuumaddu jeelka Mandheera rumaan ahaan ugu taxaabtay masuuliyiintii ururkii Qaran ee dhowaan lagu dhawaaqay.

Haddaba, xisbiga UCID, waxay qireysaa in masuuliyada 1-aad ee ilaalinta ammaanka iyo nabadgelyada ay leedahay x ukuumaddu, mana jirto muwaadin ka sareeya sharciga dalka oo aan la xidhi karin, haddi lagu tuhmo khalkhal –gelinta amaanka iyo nabadgelyada, iwm , masuuliyantani waa muwaadiniin weli aan ku jirin inta dastuurka qaranku siiyey dhawrsanaanta.

Haddii aanu nahay xisbiga UCID waxa aanu xukuumada u soo jeedinaynaa in si dhakhso ah loo horkeeno masuuliyiintaas maxkamada horteeda si eedaymaha lagu soo oogay lagu helo ama loogu waayo, muwaadin kasta xoriyadiisa lagama qaadi karo ilaa dambe maxkamadeed lagaga cadeeyo oo lagu helo, arinta sharcinimada in urur la furan karo iyo in kale iyo arinta goorma ayuu bilaabi karaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed?
Waxay la tahay xisbiga UCID in ay caddahay arrintani, waayo marka hore waa inay jirtaa guddi diwaan-gelinta xisbiyada oo hubiya in ururku buuxiyey shuruudihii ururnimo , dabadeedna la siiyo kaadhka ama ogolaansho furid urur, dabadeedna loo ogolaado inuu sameeyo dhaqdhaqaaq siyaasadeed.

Xisbiga UCID wuxuu u arkaa in kooxina urur sheegan karin dhaqdhaqaaq siyaasadeedna la samayn karin ka hor inta la m arinaayo sharciyada xisbiyadu soo mareen. Sidaas darteed waxa masuuliyiin ta qaran ku waajib ahayd in sifo sharciya u maraan doonista samayn urur, taas oo ahayd in dacwad ka furtaan maxkamada dastuuriga ah ee JSL, kuna weydiistaan fasiraada qodobada dastuurka ee muranka dhaliyay, dabadeedna sugan jawaabta ka hor inta aanay dhaqdhaqaaq siyaasadeed la bilaabin.

Xisbiga caddaalada iyo daryeelka UCID, wuxuu soo jeedinayaa:
- In muwaadiniinta reer Somaliland ilaashadaan midhihii halgankii qadhaadhaa ee dalkan loo soo maray, iyagoo ka fogaanaya qof iyo beel jeclaysi, kana hormarinaya wax kasta danta guud ee dalka.

- In muwaadiniinta reer Somaliland ka fogaadaan wax kasta oo nabadgelyada iyo ammaanka dalka wax yeeli kara, cadawgana ka farxin kara.
- In dhamaan wixii khilaaf ah ee taagan sida, komishanka iyo miisaaniyada oo wakhtigeedii gabaabsi yahay in la soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan, iyada oo laga duulayo qodobka 9-aad ee dastuurka qaranka. Qodobkaas oo tilmaamaya in nidaamka siyaasadeed ee JSL saldhig u tahay nabad iyo talo-wadaag.

- Ugu dambeyn tii waxa xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID hambalyo iyo bogaadin u dirayaa bahda ciyaaraha ee suurta –geliyey qabashada tartanka ciyaaraha ee gobolada JSL ee maanta ka bilaabmay caasimada Somaliland, anagoo u rajaynayna inay guu ku dhamaato”.

Top


Wasiirka Dib U Dejinta Oo Difaacay Xadhiga Xukuumaddu Kula Kacday Masuuliyiinta Qaran, Dafirayna In Jawaabtiisu Ay Daaran Tahay Bayaan Ay Beeshiisu Hore U Soo Saartay

Hargeysa, July 31, 2007 [Haatuf] - Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Abshir Axmed ayaa sheegay in xadhiga lagula kacay masuuliyiinta Ururka Qaran uu yahay mid sharci ah oo waafaqsan nidaamka dalka.

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu xalay caweysinkii ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa.

Wasiirku isaga oo arrintn aasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxa aan jecelahay inaan ka hadlo xaaladan dalka, gaar ahaana arrinta nimankan odayaasha ah ee la xidh-xidhay oo kuwaasi oo la buun-buuniyay xadhigooda. Waynu ognahay in dastuurkeenu ogol yahay saddex xisbi oo keli ah, iyaguna way ogyihiin, waxaana loogu talo galay in xisbiyada dhexdooda lagu soo tartamo. Haddii kale oo uu ninku damco inuu xisbi kale sameeyo, waxa fiicnaan lahayd in inta aanu isku mashquulin wax ummadda khal-khal ku keenaya inuu isku mashquuliyo inuu sharciyad u helo. Way ogyihiin in aanu dastuurku ogolayn, waxaana fiicnaan lahayd inay nimankaa odayaasha ahi isku mashquuliyaan dastuurka sidii loo bedeli lahaa ee loogu dari lahaa xisbiyada. Intay meel diri ah [dhul adag] oo aanay waxba ka soo baxaynin waqtiga badan ay ku halaynayeen. Xukuumaddu intaa way la socotay aad baanay ugu dul-qaadatay, sababta oo ah xil weyn baa saaran. In badan bay jirtay talooyin iyo wada hadal ay jirtay. Markii dambe sidaad ka war haysaan Xeer ilaalintii guud ee Qaranka way cadaysay oo runtii ilaalisa xeerka guud ee qaranka, waanay u sheegtay wixii ay wateen in aanay ahayn wax sharci ah. waanay u digtay oo waxay ku tidhi, haddii aad arrintaa ka joogi weydaan dhibaatadeeda ayay leedahay. Kumay joogin, wasiirka Wasaaradda Daakhiliguna waad ogtihiinoo waa kii digniinta u diray, tiina kuma ay joogin. Ta kale saddexda xisbi Qaran ee dalkana waxa loo ogol yahay oo keli ah marka ololuhu socdo oo keli ah, laakiin inta kale waxa loo ogolyahay inay xafiisyadooda, guryaha iyo hudheelada, laakiin looma ogola inta kale. waqtiyada kalena looma ogola, balse waqtiga Kaambaynka ee Ololaha Doorashooyinka oo Komishanku fasaxeeda bixiyo ayaa loo ogolyahay.

Haddii ay iyagu kaabayn siyaasadeed samaynayaan haatana waxay noqonayaan niman sharcigii ka horyimid.

Haddaba waxaad ka soo qaadaa nimaan sharciba haysan, oo haddana kaambayn wada, waxaanay kaambaynkaasi ka wadeen Burco, Ceerigaabo, Gabilay, Oodweyne, Hargeysa ka wadeen, waxaanay meelahaasi ka sameeyeen guddiyo, kuwii xisbiyada ahaa ee sharciga haystay ayaan loo ogolayn inay meel fagaare ah ka hadlaan.

Waxaanad moodaysay nimankaa odayaasha ah in fawdo la sameeyo, ummadda oo la kiciyo, ummadda oo la jahawareeriyo inuu ururkoodu sharci ku helayo.

Maalmihii u dambeeyay ee Khamiistii dhaweyd Maxamed Xaashi madaarka ayaanu isku aragnay oo aanu arrintan si wanaagsan uga wada hadalnay, waxaanan ku lahaa waar ninyahaw haddii aad doonaysaan oo damac idin galay, halka aad ololaha iskaga mashquulinaysaan inaad horta sharciyada isku mashquuliso. Haddii aanu anagu Xukuumaddii nahay oo aanu aragno inaydaan sharci wadan, miyaanay Maxamed haboonayn inaad u ashkatootaan maxkamadii dastuuriga oo aad tidhaahdaan sharci baanu haysanaa, waxaanu noogu jawaabay idinku maxkamada geeya. Ninka xukuumaddii haya, ee sharcigii gacanta ku haya iyo ninka wax doonaya cida labada ashkatoota waynu naqaanaa, iyagaa wax doonayee inay ashkatoodaan, markaa wuxuu kaga jawaabay meesha aad na geyn doontaan sow Mandheera uun maaha, waxaanad moodaysay inay nimankan isku tustay in Mandheera iyo xadhig la xidho ay ugu badanayso. Waana nasiib darro runtii.

Xukuumaddu xilkii ay haysay way gudatay, in badana way u samirtay, in badana waxay eegaysay in nimankan caqligodu soo dego oo ay wax nidaamsan la yimaadaan. Xukuumaddu Ilaahay Mahadii dariiqay u martay maantaa xadhigaa wuxuu ahaa mid sharci ah, maxkamad bay kaashatay, Xeer Ilaalinta ayay u martay. Maxkamad baa laga ashkateeyay Garsoore ayaa la horgeeyay. Isagaa samanka u soo jaray. Iyaganaa rumaan gareeyay. Maantana maxkamadda ayay u xidhan yihiin. Runtii dad baa ka hadla arintan oo yidhaahda xukuumaddu xadhiga sharci darro ayay u martay oo halgamayaashii bay xidh-xidhay, markaa waxa aan leeyahay fawdo umaynaan dhimaynayne, waxa aynu u dhimanaynay inaynu dawlad iyo nidaam helno.

Xukuumadda ilaalinta sharciyada iyo nabadgelyada ayaa xil ka saaran yahay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyay “Dadkeena waxa aad moodaa inay inay fawdada jecelyahay, weliba yaanan dadka oo dhan wada odhanina qaar baa jecel fawdada.

Ta kale, qoladan maanta jaraa’idka ku qornayd ee lahayd waxa aanu ku hadlaynaa afka Beesha Habar Awal, waxa aan leeyahay afka beesha Habar Awal waxa ku hadli kara oo keli ah Suldaanka Guud.

Sidoo kale, qoladan Shirgudoonka Golaha Wakiilada ee xadhiga cambaaraynayayna waxa aan leeyahay, idinku waxaad tihiin sharci dejintii, idinkaana sharcigii gacanta ku haya, waxaanay ahayd inaad ka hortimaadaan cida sharciga jebinaysa, laakiin waa nasiib darro inaad tidhaahdaan waa sharci darro.

Waxa kale oo jirta oo aan arkayay Mudane leh Madaxweynuhu wuxuu tegi doonaa Qul-Ujeed, ka dibna Masar, oo markaasi haddii Madaxweynaha la inqilaabo oo la burburiyo dalka yaa dib iskugu soo celinaya, ta kale xataa haddii meel laguu dhiibayo waxay ku qurux badan tahay inay marka hore sii dhisnaato laakiin haddii ay dunsan tahay, waa laga fiican yahay oo dhismaheeda ayaa waqti kugu qaadanaysa, markaa miyaynu duminaa, waxaanan idiin sheegayaa haddii ay maanta Somaliland dunto in aan dib la iskugu keeni karayn”.

Markii uu wasiirku hadalkiisa dhameeyay ayay Weriyayaashii shirkaasi jaraa’id ka qayb galay su’aalo weydiiyeen, waxaanay su’aalahaasi u dhaceen sidan:-

S: wasiir shirkaagan jaraa’id waxa la isweydiin karaa maxaa kugu kelifay?
J: waxa weeyaan mid shakhsi ah oo aan anigu uuni galabta goostay in aan arrintan ka hadlo.

S: Wasiir waadigan mawduuc aan shaqadaada ahayn ka hadlaya ee ma noo sheegi kartaa hal kombuuyarna alla ha ka yeelee wax aad wasaaraddaada ku soo kordhisay intii aad xilka haysay?
J: Xilka waxa aan hayay muddo sannad ah, muddadaasi aan hayayna runtii waxay ku soo beegantay waqti ay wasaaraddu qaxootigii intiisii badnayd dib u soo celisay, laakiin waxa aanu ku hawlanayn uun hawlo kale oo wax loogu qabanayo arrimaha dadka dalka gudihiisa ku barakacay. Waananu diiwaangelinay dadkaasi maalmo dhaweydna anaga oo kaashanayna hay’adaha caalamiga ah waxa aanu gaadhsiinay caawimo.

S: Wasiir Adigu Ma Garsoore ayaad tahay, ma qareen baad tahay, mise Xeer Ilaaliye ayaad tahay, maxaa keenay inaad mawduuca xadhiga masuuliyiinta Qaran ka hadasho, adiga oo aan maalin keli inta aad warbaahinta iskugu yeedhay wasaaraddan aad qaranka ugu xilsaarantahay ka hadal, mise waxa aad isku beel tihiin mid ka mid ah masuuliyiinta qaran ka xidhan oo sidaasaa laguugu soo diray, mise Madaxweynaha ayaa kugu yidhi ka hadal arrinta odayaashan Habar Awal ee cambaareeyay xadhiga maadaama aad tahay Habar Awal?
J: Maya laakiin anigu ayaa goostay galabta in aan arrintan ka hadlo, laakiin ma jirto madaxweyne iyo xukuumad kale oo aanu arrintan ka wada hadalnay oo igu tidhi ka hadal. Balse aniga ayaa goostay in aan ka hadlo.

S: Masuuliyiinta Qaran ee xidh-xidhan waxa ka mid ah Maxamed Xaashi Cilmi oo ah Nelson Mandel-lihii Somaliland, maadaama oo uu ahaa Aas-aasayaashii SNM, halka uu Gaboose-na yahay Gudoomiyihii shirkii Beelaha Somaliland ee u dambeeyay ee lagu qabtay Hargeysa ee lagu ansixiyay dastuurka aad sheegayso, markaa miyaanay iyagu xataa haddiiba oo ay dunto markalena dib u soo dhisanayn, ilayn tanba iyagaa soo dhisay’e?
J: Horta qofna ma jecla in wixii uu ku soo tabcay xumaadaan, Maxamed Xaashi waa nin sharaf leh, Mujaahid ah, waan ogahay inuu ka mid yahay aas-aasayaashii SNM, Gaboose-na tiisa waanu ognahay, labaduba inay Mujaahidiin dalkan sharaf ku leh yihiin, balse dee Mujaahid baan soo ahaa oo wixii aan ku soo tabcay baan baabi’inayaa ma noqonayso wax la qaadan karo, xukuumadduna iyada ayaa nabadgelyada ilaalisa, xadhigoodana nidaam sharci ah ayaa loo maray.

S: Wasiir dabayaaqadii bishii May ee ina dhaaftay, waxaad Xeer Ilaalinta olole ugaga jirtay sidii loo soo dayn lahaa ama xukunka looga khafiifin lahaa niman aad isku qabiil tihiin oo loo haystay lacag faalso, markaa halka qoladan qaran laga xidhay, maadaama oo aad xil wasaaradeed adiga oo haya u doodaysay niman lacag faalso ah loo haysto, miyaanay qurux badnayn in adiga lagu xidho bedelkooda?
J: Anigu ma ogi nimankaa aad sheegayso, jawaabtuna adiga ayay kugu soo noqonaysaa, su’aashaasina maaha wax laga jawaabo.

S: Waxa aad eedaysay shirgudoonka Wakiilada oo aad sheegtay inay nasiib darro tahay inay ka soo horjeestaan xadhiga masuuliyiinta Qaranka?
J: Ma eedayn, laakiin waxa aan idhi, iyaga oo ay ahayd inay sharciga ilaaliyaan oo xeer dejintii ah, may ahayn inay yidhaahdaan xadhigaasi waa sharci darro.

S: Maadaama oo aad ka mid tahay xukuumadda afkeedana aad ku hadlayso, oo aan ku weydiiyo waxa xukuumadda lagu eedeeyaa, xadhig, dulmi, cadaalad darro, fadhiidnimo, kelidii talisnimo, musuq-maasuq, iyo wax qabad la’aan, waxaasi oo dhana waxa ugu dambeeyay, waxa doraad dalka ku soo noqday carruurtii madaxweynaha Somaliland oo ka soo xagaa baxday Masar oo ay wax ku bartaan, iyada oo carruurtii Somaliland waxbarasho dhaaf’e ay dariiqyada ku bakhtiyayaan, markaa taasi ma cadaalad baad u aragtaa aragtidaada shakhsiga ah?
J: Arrintaasi ka hadli maayo, shirka jaraa’idna wuu xidhan yahay.

Wasiirka Dib u Dejinta Somaliland ayaa tan iyo intii loo magacaabay xilkan bishii August ee sannadkii ina dhaafay, waxa uu ku hawlanaa hawlo beeleed oo ay ka mid yihiin Xaal fashilmay oo ay odayaal la dhaq-dhaqaajiyay sheegeen inay ka bixiyeen saddex suxufi oo ka tirsan Haatuf oo xabsiga loo taxaabay horraantii bishii January ee sannadkan, ka dib markii uu Wargeyska Haatuf baahiyay xogo la xidhiidha musuq-maasuq iyo ku takri fal awoodeed oo ay madaxweyne Rayaale iyo qoyskiisu ku kaceen. Waxaanu Mr. Abshir hormood ka ahaa abaabulkii xaal beenaadka isagoo isla markaana kharashka ku baxay xafladii lagu qabtay Maansoor dabayaaqadii January.

Top


Suldaanka Beesha Sacad Muuse Oo Xadhigga Hoggaamiyeyaasha QARAN Ku Tilmaamay Af-duub

“Ina Rayaalow Adeer Malaha Weli Dhac Laguma Odhane Waa Inaad Naga Tagtaa” Maxamed Cabdi Arabay

Hargeysa, July 31, 2007 (Haatuf) – Suldaanka beesha galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa [Sacad Muuse], Suldaan Sulub Nuur Warsame ayaa cambaareeyay xadhigga xukuumadda Madaxweyne Rayaale xabsiga Mandheera ugu taxaabtay hoggaamiyeyaasha urur-siyaasadeedka QARAN, waxaanu suldaanku hab-dhaqanka xukuumaddu xadhigaas u martay uu ahaa mid af-duub ah, oo haddii aanay dawladdu wax ka bedelina ay mid taas ka weyni dhici doonto.

Sidoo kalena waxaa isna xadhigga siyaasiyiinta QARAN si kulul uga hadlay, dhaleecayn kululna ugu jeediyay xukuumadda Madaxweyne Rayaale, Oday Maxamed Cabdi Arabay oo ka mid ah odayaasha caanka ka ah ee reer Hargeysa, waxaanu Maxamed Cabdi Arabay ku tilmaamay xadhigga noocan oo kale ah ee lagula kacayo raggii halganka u soo galay dalku ay nabadgelyada waxyeeli karto.

Sidaana waxay suldaan Sulub Nuur iyo Maxamed Cabdi Arabay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay shalay ku wada-qabteen magaalada Hargeysa, waxaanay xukuumadda ugu baaqeen inay si degdeg ah oo bilaa shuruud ah u soo dayso hoggaanka QARAN ee xabsiga Mandheera sharci-darrada ugu xidhan.

Suldaan Sulub Nuur Warsame oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in laga duceysto dawlada xun, isla markaana waxa uu carabka ku dhuftay in halgan dheer la soo maray nabadgelyada dalka Somaliland maanta taalla.

“Waxaan leeyahay Madaxda imika Dawladda haysaa talaabooyinka ay qaadayso ha ka joogto, ninku haddu denbi galo dawgu waxa uu yahay inta aan meel kale loo kaxayn ee aan la af-duubin halkan gartiisa lagu qaado oo la eego inuu danbiile yahay iyo inaanu danbiile ahayn” ayuu yidhi Suldaanka Sacad Muuse Suldaan Sulub Nuur Warsame.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anigu waxaan leeyahay sida ha la bedelo, haddii aanay dawladu sidaa bedelin si xun oo ka weyn ayaa dhici”.

Maxamed Cabdi Arabay oo ka mid ah odyaasha waaweyn ee reer Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay ka hadlayaan Xadhiga Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka Qaran, isla markana waxa uu ku tilmaamay mid Cadaalad daro ah “Waxaanu ka hadlaynaa Sadexdan Nin ee xidhan, horta dadku bir-ma-geydo ayuu leeyahay ninbaa Gabyey oo waxa uu yidhi ‘Dadku birmo-geydiyo lama guhaashaan ayuu leeyahay’, sadexdan nin [Dr. Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid] ee mujaahidiinta ah ee soo halgamay ee maanta midhahoodii la daaqayo ee Cadaalad darada lagu xidhay ayaanu ka soo hor-jeednaa Xadhigoodaas”.

“Inkasta oo aanu ina Rayaale dheg u dhigayn wixii la yidhaahdo ilaa sidii Af-weyne ka lugeeyo, laakiin waxaanu leenahay Saddexdaa nin ha loo soo celiyo xoriyadoodii haddii aanu nahay odayaashii” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Arabay.

Maxamed Arabay waxa uu ku dooday haddii muwaadiniinta reer Somaliland si sharci-darro ah la ikaga xidh-xidho inay nabadgelyada waxyeeli karto. “Halka ay reerka Habar-yoonis ka yidhaahdeen haddaanu nahay reerka Habar-yoonis anagu waxaanu leenahay hadaynu nahay reer Isaaq haddii maalin-walba rag laynaga xidh-xidho hadhowto nabadgelyadu way Xumaan doontaa oo gacanteena ayey ka bixi doonta oo dhibaato ayey inoo geysan doontaa” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Arabay, waxaanu intaas raaciyay oo uu yidhi: “Ina Rayaale iyo Dawladiisu waxay ku-wadaan inay mar-danbe dhibaato badan inoo geysato.”

Md. Maxamed Arabay oo la hadlayey Shacbiga waxa uu sheegay inay ka gar-naqaan xadhiga Masuuliyiinta Urur Siyaasadeedka QARAN oo ay wax ka sheegaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Shicibka Waxaan leeyahay waa inaad markhaatiga furtaan cidda gar-daran iyo cidda garta leh, -Af-weyne markii Xamar laga saaray raggi la talin-jiray ee uu kow ka ahaa Cabdiraxmaan Buluq-buluq ayaa waxa uu yidhi dadka ayaa xun, Af-weyne ayaa dhirbaaxay oo waxa uu yidhi “dadku inuu Xumaa waan ogaaye idinka ayaa igu hayey beri hore ayaan isaga tagi lahaa”, hadaba waxaan leeyahay meel-walba Cabdiraxmaan Buluq-buluq wuu jiraa, hadaba waxa jira kuwo dadka madaxda ah hadday toosan yihiin qaloociya, haday qaloocan yihiina sii qaloociya. Hadaba la-taliyaasha la talinaayow Madaxweyne Rayaalow waxaan idin leeyahay taariikhdu way is qoreysaa oo way idin sheegi, raggaasi [Siyaasiyiinta QARAN] maaha rag la xidho oo waa rag mudakara oo waa ragg in badan duurka ku jiray oo ku dhalmo daayey, oo ku aduunyo daayey waa rag injirtu ku gashay oo wixii ay keeneena waa taa maanta la hadhsanayo, kuwii shalayto la dagaalamayey ay iyagii xidh-xidhayaan, Waa nasiib-darro.”

Oday Maxamed Cabdi Arabay waxa uu Xukuummada Madaxweyne Rayaale ku eedeyey inaanay imika uunn Cadaalad darada bilaabin ee ay horeba cadaalad-darro farabadan u samaysay, waxaanu yidhi “Dawlada Ina Rayaale maanta oo kaliya may bilaabin Cadaalad darrada, waxay bilowday markii Baarlamaankii xorta ahaa ee la soo doortay iyo Guurtidii isku dirtay, shicibkuna uu taagan yahay ee uu leeyahay nabadgelyada ha la ilaaliyo, markii labaadna waxay ahayd markii shaqadii ay heshay Xaaska Mujaahidka Axmed Siilaanyo [Aamina Waris] ay u diideen ee ay dadkuna arrintaa ka hadli-waayeen, markaana uu ku sii dhiiraday Markii Gudoomiyaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo labadii nin ee kale [Tafatiraha Haatuf Cali Cabdi Diini iyo Maxamed Cumar] ay xaqdarada ku xidhay way ka sii dartay, ma dhameyn karo cadaalad darrada ay sameynayso. Maantana waxay xidhay Sadex Mujaahid [Dr. Gaboose, Maxamwed Xaashi iyo jamaal Caydiid] oo wadanka qiimo ku leh oo xalaal ah Haddaba waxaan leeyahay ina Rayaalow adeer waa inaad naga tagtaa, dhac ! weli malaha dhac laguma odhan. Haddaba aniga [Maxamed Arabay] ayaa ku leh naga dhac waxba noomaad dhiibanin waanu kugu khatalanay ee naga tag, ilaahayna degdeg ha kuu rido waayo imika ayaanu yag-leel danbe ku jirnaa.”

Top


War-Murtiyeed Ay Beesha Muuse Care Ka Soo Saareen Xadhigga Hoggaamiyeyaasha Qaran

Shir balaadhan oo ay ka soo qayb galeen 200 xubnood oo ka kooban Cuqaal, Waxgarad iyo Dhalinyaro ka tirsan Beelaha Muuse Care ee habaryoonis ay isugu yimaaden meel fagaare ah maanta oo taariikhdu yahay 30/07/2007.
Shirkaas oo lagag hadlay arimo reerka u gaar ah oo ay hore ugu balansanaayen waxa kale oo lagu soo qaaday xadhiga sharci darada ah ee dawladu xoriyadii ugaga qaaday madaxda sare ururka Qaran.

Anagoo tixraacayan baaqyada iyo bayaanadda ka soo kala baxay
1. Golaha Wakiiladda
2. Golaha Guurtida
3. Ururka Qareenada
4. Ururka Saxaafadda Solja
5. Ururka Xuquuqul insaanka iyo dhamaan ururada bulshada iyo beelaha Somaliland waxay muujinaysa in golaha fulinta ee Somaliland si indho la’aan ah dastuurka iyo shuruucda dalka u baal marsanyahay isla markaana ku xadgudbay xoriyal qawlkii iyo xuquuqdii muwaadin aan waxa danbi ah galin leeyahay.
Waxa shaki la’aan ah in kalsooni daro ka muuqatay dawalda hadaanay taasi jirin maxay tartanka siyaasada ku diidanyihiin.
Waa maxay waxay golayaasha sharciga iyo nabad gelyadu arkayaan ee aanay golaha fulintu arkeyn ee ay ka door bideen inay iyagu shaqaaqo abuuran.
Sidaa darteed:-
1. Waxaanu hormuud u nahay in aanay dhicin wax ficil qaadasho ah oo bulshada S/L sameyso si aan marmarsiiyo loogu helin sharci darada ah.
2. Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Ing Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahin ma aha qoysas iyo qabiilo sida loo dhigaayo ee waa Qaran u doodaya Xuquuqda bulshadooda iyo dalkooda.
3. Waxa bulshada Somaliland ku qanci kartaa in madaxda xidhan iyo arimaha Ururadaba lagu xalilo oo kaliya ah Maxkamada Dastuuri ah wixii baal marsana waa biyo col dhaanshay.
4. Waxanu dawlada Somaliland ku boorinayna in ay xuquuqda Muwaadinka dhawrto oo si shuruud la’aan ah ugu sii dayso siyaasiyiinta Ururka Qaran inta laga geynayo meel dastuuri ah.
Bayaankan oo ay ku saxeexanyihiin 50 xubnood oo ay kamid yihiin
1. Caaqil Cadbulqaadir Damal
2. Caaqil Cumar Jaamac Gaas
3. Caaqil Cabdilaahi Caraale
4. Cali Maxamed Haybe
5. Maxamed Diiriye Afxakame (taleex
6. Axmed Xuseen Jaamac (Soodani)
7. Cali Xaashi Huruuke
8. Jaamac Cabdi Carab
9. Diiriye Jaamac Gube
10. Maxamud Ducaale Dhaad
11. Baashe Muuse Dhiif
12. Cabdi Ibraahin Aadan Qalabjaan
13. Xasaan Xaaji Dhogor

Top


Oday Aadan Xaashi Cilmi Oo Cambaareeyey Xadhigga Masuuliyiinta Ururka Qaran

Hargeysa, July 31, 2007 (Haatuf) – Oday Aadan Xaashi Cilmi ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca boqolaal qof oo beesha reer Xaashi Cilmi canbaareeyey xadhiga saddexda masuul ee ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid, kuwaas oo 28/7/07 ay xukuumadu u taxaabtay xabsiga Mandheera.

Waxaanu Oday Aadan xaashi xukuumadda u soo jeediyey inay si deg-deg ah masuuliyiintaasi xoriyadooda ugu soo celiso, isaga oo intaasi raaciyey in xukuumadu hadii ay dambi ku haysato ay maxkamada horteeda kaga cadayso.

Sidaana Oday Aadan Xaashi waxa uu ku sheegay qoraal uu shalay na soo gaadhsiiyey, qoraalkaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“Aniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca boqolaal qof oo ka tirsan reer Xaashi Cilmi waxaan halkan ku cambaaraynayaa xadhiga saddexda masuul ee ururka qaran ee ay dhowaan xukuumadu ku xidhxidhay xabsiga Mandheera.

Run ahaantii anaga oo ka xun xadhiga masuuliyiintaasi oo runtii aanu qabno in ay xukuumadu ku degdegtay, waxaanu u soo jeedinaynaa madaxda xukuumada in ay masuuliyiintaasi si deg-deg ah xoriyadoodii ugu soo celiso, isla markaana faraha ka qaado oo hadii ay wax dembi ah lagu haysto sida sharciga ah maxkamad la horkeeno.

Ugu dambeyn waxa aanu aad u cambaaraynaynaa xadhiga masuuliyiintaasi oo aanu u aragno in lagu deg-degay, isla markaana sharaftoodii meel lagaga dhacay”.

 


DOODII TODOBAADKA

Toddobaadkan waxa dhammaan fadhiisamada lagu barjeeyo, kuwa shaaha lagu cabbo, kuwa bunka lagu cabo ee sida dabo –joogga ah looga dalbado iyo geggada lagu geddo caanaha iyo hadhuudhkaba ka dhex socday dadka ku ganacsada iyo macaamiisha guddahoodaba dooddo la isku mari-waayay, qaar la isaga garaabay iyo dar aan la isla meel dhigin, si la isku raacraacsanaa in laga dhursugo bal waxa ay ku dambeeyaan ama ay ku biyo-shubtaan arrimaha saddexda xisbi qaran ee kala h itijaaha ah, lana moodo in uu mid kastaa u kobcaayo si aan waafaqsanayn dimoqraadiyada muwaadinka ku jira golihiisa iyo kan taaageeraha u ah, isagoonay midna fursaddii uga banaanayn da’da cusub ee siyaasadda casriga ah ee adduunka.

Dooddu waxa ay isku raacaysay in ay asxaabta qaranku baddidoodu barnaamijyo wacan leeyihiin, hase ahaatee aanay jirin wax xeer gaar-hoosaad wacan oo lagu maareeyaa, waana qaar ku kala tegsan danta dalka iyo dadka oo is-hebelo cambaarayn badan midba midka kale.

Golaha Guurtida doodduhu intooda badani waxa ay isugu dhadhowaayeen in golaha guurtidda dalka ay ka luntay turjumaaddii is afgarashada dhaqanka ee sida deg-dega ah wax u kala maamuli jirtay. Dooddu waxa ay sii maraysay oo mafrishyo badan la isla qaatay in golaha Guurtidu sii da’ yaraanayo, siyaasiyiin iyo diblomaasiyiin quud –daranayaan in ay si dhakhso ah isugu rogaan.

Golaha dawladda ma la isweydiinayay in bal isku dayo in la magacaabo ugu yaraan lix wasiir oo hadda ka tirsan xukuumadda jirta, waxa la dhaafin waayay afar qudha in laga magaca dhabo, waxaanu fallanqaynta golaha dawladdu isku biyo shubtay in uu wasiiradda 90% iyo dheeraad aabayaal u yihiin musuqmaasuqa dalka la sheegayo in uu ka jiro , in ay iyagu caddaalad darada horseed u yihiin. Mid kastaana ugu takri fallo masuuliyaddii qaranka uu u hayay sida uu doono , madaxweynahana ay ugu hanjabaan waxaan geli xisbi hebel iyo reerkaygaan kaa kaxaysan.

Golaha baarlamaanka waxa isu-dul rasaysan boqolaal sharci iyo xeer oo aanay midna waxba ka qaban, waana waxa ugu weyn ee ragaadiyey, xubnaha lama garan ujeedadooda iyo ka jeedadooda, inta badan ma arkaan tagarta ku taagane, wey dhaliil jeedin badan yihiin. Si wada jir ahna uma daneeyaan danta guud, waxaad moodaa in ay soo horeysiinayaan ku xumeedda.

Arrinka ururka Qaran waxay doodeyaal badani qabeen in ay yihiin is-feeraarin iyo fallaadh mucaarad oo laga soo jeexay masuuliyiinta mucaaradka, sidaasaanay xukuumada iyada lafteedu aaminsan. Ururkuna ismuujin laftiisaa aad uga hordhacdayis xareyntiisa. Sidaas awgeed dawladdu waxay shicibka u sheegtaa in qaran fidmo yahay, iyaguna waxay ummadda u sheegaan in ay yihiin urur sharci ah, murankii ka dhex dhashay ee aan laga garqaadinina waxa uu keenay qaran xadhiggooda qayral-dastuuriga ah, kaasoonay qayladiisa sii socon doonin wax ka badan 8 cisho, hadaan lagu sii dayn gudahood.

Waxse gabagabadii doodeyaashu ku gunaanadayeen doodahooda siyaasi qabiil ma ahee, maxaa innaga inoo dan ah, maxaa inoo wada dan ah, maxaase dalkeenana u dan ah.


 


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dadoow Mayla Aragtaan?

Maanta waxa taagan ee ka socda wadankeenu wuxuu iila muuqdaa mid argagax badan leh oo ay ka dhalanayso cawaaqib xumo weyn oo aan la mahadin doonin hadii ay arrimuhu tubtaa ku sii socdaan. Waxay xukuumada Rayaale u muuqataa mid aad ugu midab eeg kacaankii murugada iyo foolxumada lahaa eek u can baxay dilka dhaca cabudhinta iyo xadhiga muwaadiniinta, kacaankaasi oo ay Rayaale iyo badiba wasiiradiisu ka soo qalin jabiyeen waxbarashadiisii uu xooga, xabsiga iyo qorugu kaalinta koowaad ay kaga jireen.Falalka guracan iyo tacadiga lagu hayo muwaadiniinta ee ay ku hadoodilayso xukuumadu wax-qabad la’aanta hadhaysay hawlaha dawlada ee curjaamiyey dhaqaalihii iyo horumarkii dalka ayaa u muuqda qaar sii laba-kaclaynaya maalinba maalinta ka dambaysa.

Ayaamahan iyo dhacdooyinka ka dhacaya dalku waxay ina xuusinaysaa ayaamihii murugada lahaa ee ay falal noocan maanta dhacaya oo kale ah lagula kici jiray dad birmageydo ahaa oo ka soo jeeday umada reer Somaliland sida ay maanta ugu talaabsatay xukuumada Rayaale inay xabsiga u taxaabto xubnihii umadan xalaaleeyey ee xornimadooda horseedka ka ahaa oo aanay waxba ka soo qaadin taariikhdoodii wacnayd ee birma geydada lahayd. Hadaba markaad faaqido sida ay ku yimadeen arrimaha badan ee muwaadiniinta ka fajiciyey ee ay Rayaale iyo qaar ka liita oo aan dalkan dhismihiisan iyo xorayntiisii midna hagardaamo mooyee aan waxba ku darsan ay ku kacaan waxaa kuu soo baxaysa inaan waxba isbedelin oo uu weli dhisan yahay xukun qarqooshkii Siyaad Barre iyo siidhkiisii garanwaaga ahaa waana isla kuwii gumaadayey, basaasayey, garaacayey, dilayey, cabudhinayey dad aan waxba galabsan.

Waa isla xubnihii uu adeegsan jiray Barre oo qaarkood xataa qoxootigana kaga hadhi waayeen sida Cawilka u basaasi jiray Afweyne ururkii xoraynta ee SNM iyo Cirro oo ahaa kii basaasi jiray aqoonyahankii ummadan ruugcadaayadii afgebigana ku hayn jiray selelka jeelka ee arxan darada qalbigu la madoobaaday.

Waxa ummada mar labaad u dhuumatay kooxdii uu carbiyey taliskii barre ee dhiigya cabka ahaa oo fulinaya casharadii ay ka soo aflaxeen ee macalinkii ay dhabtiisa ku soo barbaareen, inay sidaasi tahay waxa kuu cadaynaya xadhiga loo quudhay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ahaa Aasaasihii ururkii SNM iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo wasiirnimadii iyo lacagtii Afweynaba ka doortay inuu ka xoreeyyo umadiisii taliskaa madoobaa ee dulaystay dadkiisa. Iyo nasiibdarada maanta Jamaal Caydiid ku celisay xabsigii ay shalay geesiyaashii xoraynta ee SNM ka soo jabiyeen isagoo ka mid ahaa dakii u xidhnaa halgankii umadoodu ugu jirtay inay iskaga xoreeyaan Afweyne iyo hay’adihiisii cabudhinta ee dabargoynta iyo NSS tii cidkasta oo nidaamkaa ka aragti duwanaata habeen badhka guryohooda sharci darada ugu daadan jirtay ee xabsiga dhigi jirtay.

Hadaba dadoow mayla aragtaan foolxumooyinka ina hadheeyey ee ay ku kacayaan kooxdaasi garmnaqaatayaasha ah ee aan sharci iyo dadnimo midina qaban ee baaba’satay sharaftii umadan iyo haldoorkeediiba. Dadoow mayla aragtaan kooxdan sirdoonka ah ee aan la garanayn cida ay u adeegayaan ee baabiyey hay’adihii ay dawladu ka koobnayd iyo sharcigii dalku ku dhisnaaba ee meesha ka saartay Golihii wakiilada, Commission-kii Qaranka iyo distoorkii ay ahayd inay dalka ku dhaqaan.

Su’aashuse waxay tahay waa maxay talaabada kale ee ay isku hanbalyeyn doonaan kooxdaasi?
Maxamed Cabdi Xasan.
 


Madaxweyne Waxaad Doonto Samee, Xabsibaa Ku Huran

Waxa wax lala yaabo ahaa falkii argagixisada ahaa ee xukuumadda Rayaale kula kacday madaxdii sar sare ee Urur siyaasadeedka QARAN ee dhowaanta lagu dhawaaqay. maaha markii ugu horreysey ee xukuumadda Rayaale ku kacdo fal noocan oo kale ah, balse waa mid caado u noqotay Rayaale iyo xukuumaddiisa in ay badhtil-maameed ka dhigtaa dadka magaca iyo xushmadda ku leh bulshada dhexdeeda. sabtidii ahay ahayd markii ciidamada bileysku ay si fool-xun u soo qab-qabteen qaar ka mida madaxda Ururka QARAN. loona taxaabay xabsiga Mandheera,mana jirto cid dacwad ku soo oogtey madaxda Ururka QARAN, marka laga reebo hadalada liita ee xukuumadda Rayaale miciinsanayso, iyaga oo leh Ururka QARAN waa sharci-darro wuxuna khal-khalgeilnayaa nabadgelyada. hadaba marka laga yimaaddo hadalada xukuumadda waxa iska cad in sharci-darro lagu xidh-xidhay madaxda QARAN, waxa layaab noqotay sababta ay xukuumadda Rayaale ay awoodda u adeegsatey, iyada oo ay furnaayeen waddooyin kale oo lagu xalinlahaa arrinta Uurka Qaran, iyada oo aan cidna la xidhin, cidna loo cago-juglayn, cidna la cabudhin, falkan xukuumadda Rayaale kula kacday Ururka QARAN waxay wel-wel ku abuurtay shacabka reer somaliland meelkasta oo ay joogaan. tallaabadan Rayaale xabsiga ugu taxaabay madaxda Ururka QARAN waxay dhaawac ku tahay hannaanka geeddi-socodka dimuqraadiyaddii laynaku ammaani-jirey, sidoo kale falkan Rayaale ku kacay wuxu somaliland ka jeedinayaa indhaha beesha caalamka, sidoo kale falkani wuxu dib-u-dhac ku keenayaa doorashooyinka foodda inaku soo haya. dalkuna wuxu u sigo-rogtey mid uu ka taliyo keligii-talis. Runtii talaabadan Rayaale ku xidh-xidhay Ururka QARAN waa mid baalmarsan xeerarka dalka u yaalla lidna ku ah xorriyadda muwaadiniinta, dhanna ka ah xuquuqda aadamaha. hadaba dadban ayaa mad-madaw ka galay is weydiinayana tollow QARAN ma sharcibaa lagu xidhay mise sharci-darro. xukuumaddu waxay ku doodaysaa in dalka laga ogol yahay saddexda xisbi Qaran ee maanta jira. halka Ururka QARANNA ku doodayo in sharci-gu u oggolyahay in muwaadiniintu samaysan karaan Ururro siyaasadeed oo u tartama doorashooyinka Goleyaasha Degaanka. hadaba waxa isweydiin leh maxuu dastuurka ka yidhi Ururrada siyaasadda? haddii aan soo qaato
QODOBKA 22AAD
XUQUUQDA SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO, IYO XAQA DOORASHADA
1- Muwaadinka kasta wuxu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, iyo hiddaha iswaafaqsan, xeerka dastuurka.
2- Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxu xaq u leeyahay in la doorto, waxna doorto.
QODOBKA 23AAD
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA IYO IS-ABAABULKA
Qodobkani wuxu si cad u qeexayaa oo uu leeyahay muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan Ururro siyaasadeed. Qodobadaasi waxay ina tusayaan sida dastuurkeeno u ogolaanayo in la samaysto Ururo siyaasadeed, waxase is weydiin leh sababta madaxweyne Rayaale isaga indho-tirayo dastuurka ee uu ugu tumanayo, waxa hubaal ah in sharci-darro lagu xidh-xidhay madaxda Ururka QARAN, sababta madaxweyne Rayaale falkan ugu kacayna waxay ahayd sidii dalka fowdo uga dhicilahayd balse waa la fahmey shir-qoolka uu Rayaale maleegayey ee uu ku doonayey in dalka rabshado ka dhacaan. madaxweyne Rayaale isaga oo aan waxba xeerinayn ayuu xabsiga Mandheera u quudhay mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi Dr; Maxamed Cabdi Gaboose iyo muj; Jamaal Caydiid. saddexdan nin waa saddex nin oo biri-mageydo ah , tusaale ahaan Maxamed Xaashi wuxu ka mid ahaa shantii nin ee aas-aasay Ururkii SNM ee dalka u soo halgamey, Jamaal Caydiid sidoo kale wuxu ka mid ahaa raggii dalka u halgamayey, Dr; Gaboose ka mid buu ahaa Ururkii SNM maantana wuxu dawaynayey oo badbaadinayey boqolaal qof oo maskaxda wax uga dhiman yihiin. madaxweyne Rayaale wuxu qadarin waayey ninka ummadda u shaqaynayey. wuxu tixgelin waayey Maxamed Xaashi oo nin weyn ah magaca bulshada dhexdeeda ku leh. ah muj; dalka u soo halgamey. Rayaale mahaa nin waxba xeerinaya wuxu ku tumanayaa shuruucdii dalka u dejisnayd. wuxu ku tagri-falayaa hantidii ummadda, wuxu ku tagri-falayaa awooddii Qaranka. wuxuna qorshaynayaa sidii aan dalkan doorasho uga dhacdeen waana sasabta uu u diidan yahay in la soo dhamays tiro Guddida Doorashooyinka, waa sababta uu xaald abuurka u yahay wuxu ogyahay Rayaale haddii doorasho xori dhacdo in aanu waxba helayn, wuxuna door-biday in uu qas-abuuro isaga oo isku halaynaya ciidamada Itoobiya oo imikaba la sheegayo in ay meelo ugu diyaar yihiin. waxana loo baahan yahay in ummadda tashato. waxnna leeyahay Madaxweyne waxaad doonto samee xabsibaa ku huran.
Cabdillaahi Axmed Caarshe, Hargeysa

Top