Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1485 Aug.3, 2007

Madaarka Hargeysa Oo Xalay Markii Ugu Horeysay Ay Ka Duushay Diyaaradi Xili Habeenimo Ah

Dagaal Hubka Culus Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Muqdisho

Madaxweyne Rayaale Iyo Shirgudoonka Guurtida Oo Kulamo Hoose Ka Yeeshay Is-Maandhaafka Goleyaasha Qaran

Taliyihii Xabsiga Mandheera Iyo Ku-xigeenkiisii Oo Xilkii Laga Qaaday

Sarkaal Ka Socda Xafiiska EU-da Ee Nairobi Oo Shalay Dalka U Yimid Xadhigga Siyaasiyiinta Ururka QARAN

“Xukuumaddu Waxay Uga Jeedaa Xadhiga Masuuliyiinta Qaran Iyo Cago-Juglaynta Taageerayaashooda In Dalka Fawdo Ka Dhacdo”
Shir-jiraa’id – Ururka Qaran, Maxamed Cabdi Daa’uud

“Madaxweyne Kursigan Kumaad Iman Inqilaab Sidii Siyaad Barre Ee Doorasho Ayaynu Ku Nimide, Xoriyadii Dadka Haloo Soo Celiyo

Mujaahidiin Ka Tirsan Ururkii SNM oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xadhigga Siyaasiyiinta QARAN

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baroortu Orgiga Ka Weyn

DALJIRE: “Al-Khawaajaat?... Qatalnaahum Amis”

Ma Jiri Doono Magac Naafo Oo Gidaar Lagu Dhejiyo Si Looga Ganacsado

“SSE Fadeexad Iyo Dhaawac Ku Yimid Dimuqraadiyada Curdinka Ah Ee Somaliland Ayay U Aragtaa Xadhigga Siyaasiyiinta”
Warsaxaafadeed – Ururka Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland Ee Yurub (SSE)

Aqoonyahanka, Waxgarad-Ka Iyo Qurbo Jooga Beesha Arab Oo Cambaareeyey Xadhigga Masuuliyiinta Qaran

Jaaliyadda Somaliland ee Minnesota Oo Soo Saaray Baaq Ay Kaga Hadlayaan Xadhigga Siyaasiyinta Qaran Iyo Doorashooyinka


Madaarka Hargeysa Oo Xalay Markii Ugu Horeysay Ay Ka Duushay Diyaaradi Xili Habeenimo Ah

Hargeysa, August 3, 2007 (Haatuf) – Waxaa habeenkii xalay abaaro 7:00 fiidnimo markii ugu horeysay dhabada diyaaraduhu ka haadaan ee Hargeysa ka duushay Diyaarad uu nooceedu yahay Fokar oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, taas oo rakaab ka qaaday magaalada Hargeysa.

Wasiirka Duulista iyo Hawada, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa munaasibad uu xalay ka qayb-galay ka sheegay inay ku guulaysteen inay xalay diyaaradii u horeysay goor habeenimo ah ka duusho Madaarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taas oo aan weligeed taariikhda madaarka Hargeysa lagu arag diyaarad xili habeenimo ku degaysa ama ka duulaysa Madaarka.

Mr. Warancadde oo muddo sannad ah xilka wasiirka Duulista iyo Hawada hayay, ayaa dedaal ugu jiray sidii uu horumarin lahaa Madaarka caasimadda, waxaanu intii uu joogay u suurto-gashay inuu wax badan ka qabto dayac farabadan oo ka muuqday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, isla markaana wuxuu soo nooleeyay bilicdii madaarka oo ah meelaha laga dheehan karo horumarka dalka, isla markaana soo jiidanaya indhaha dalxiisayaasha iyo dadka socdaalka ku imanaya Somaliland.

Wasiirka iyo shaqaalaha wasaarada Duulista iyo Hawada ayaa bilihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa dab-gelinta dhabaha diyaaraduhu ka duulaan, taas oo ay dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee July ku guulaysteen hawl-gelinta adeega habeenimo ee Madaarka Hargeysa.

Top


Dagaal Hubka Culus Loo Adeegsaday Oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho, August 3, 2007 (Haatuf) – Weeraro loo adeegsaday qoryaha Hoobiyeyaasha oo ka dhacay Muqdisho aya geystay dhimashada 8 qof, halka uu dhaawacuna gaadhay 25 qof.

Dagaalkan oo socday muddo saacado ah ayaa saqdii dhexe ee xalay wuxuu ka bilaabmay xeradii hore ee ciidamada ee la odhan jirey Oodweyne, taas oo ku dhow xaruntii Guul-wadeyasha ee degmada Hodan, kas oo laysu-adeegsaday hubka culus iyo midka fudud labadaba.

Dagaalkan xalay ayaa waxaa uu dhexmarayay kooxo aan la garanayn haybtooda iyo ciidamada Huwanta ee Imbagaati iyo Itoobiya, inkasta oo aan la garanayn khasaaraha dhabata ah ee dagaaladaasi geysteen, hadana waxa la rumaysan yahay in dadka ku dhintay ay u badan yihiin dadkii rayidka ahaa ee halkaas deganaa, kuwaas oo ay ku habsadeen madafiicda lays-weydaarsanayay.

Dhinaca kale, qaraxyo dhowra ayaa maalintii shalay lala beegsaday kolanyo ciidamada Itoobiyaanka oo marayay Is-goyska Ex-Kantarool Hakad, waxaana la sheegay inay halkaasi ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Qaraxyada iyo weerarada lagu qaadayo ciidamada Itoobiya ee jooga Muqdisho aya sii badanaya maalmihii u dambeeyey todobaadkan.

Top


Madaxweyne Rayaale Iyo Shirgudoonka Guurtida Oo Kulamo Hoose Ka Yeeshay Is-Maandhaafka Goleyaasha Qaran

Hargeysa, August 3, 2007 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Shirgudoonka Golaha Guurtida ayaa la sheegay inay labadii maalmood ee u dambeeyay kulamo hoose oo xidhiidh ah ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada, kulamadaas oo sida la sheegay muddo aad u dheer soconaayay ma jiraan war rasmi ah oo ay labada dhinac ee Madaxtooyada iyo Shirgudoonka Guurtidu ka soo saareen waxyaabihii ay kulamadaas kaga wada hadleen iyo natiijadii ka soo baxday toona.

Hase yeeshee warar laga helay ilo xog-ogaal ah oo u dhuun-daloola kulankii hore ee Madaxweyne Rayaale iyo Shirgudoonka dhexmaray dorraad Arbacadii ayaa tibaaxay in kulankaasi ahaa mid ay shirgudoonka Guurtidu ugaga waramayeen Madaxweyne Rayaale natiijadii wada-hadaladii burburay ee u dhexeeyay shirgudoonada labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada, wada-hadaladaas oo burburay kadib markii ay shirgudoonka golaha Wakiiladu ku gacan-saydheen isku-day ay shirgudoonka Guurtidu damacsanaayeen inay shirgudoonka Wakiilada ku qanciyaan inay aqbalaan guddi ay golaha Guurtidu u saareen xal-u-helida khilaafaadka goleyaasha Qaranka, waxaanay diidmada Shirgudoonka Wakiiladu taas sabab uga dhigeen in khilaafaadka jira ay guurtida lafteedu badh ka tahay sidaas darteed aanay dhexdhexaad ka noqon karin.

Sida ilo-wareedkaasi tibaaxeen Madaxweyne Rayaale iyo Shirgudoonka Guurtidu kulankoodan iskula soo qaadeen dhinacii kale ee arrintan looga wareegi lahaa, isla markaana loo heli lahaa dariiq kale oo lagu dhammayn karo khilaafaadka cirka isku sii shareeraya ee u dhexeeya goleyaasha dawladda, gaar ahaan golaha Wakiilada iyo Xukuumadda oo dhinac ah iyo Wakiilada iyo Guurtida oo dhinac, khilaafaadkaas oo ka dhashay labadii xubnood ee komishanka ee golaha wakiilada kalsoonida ka waayay iyo Miisaaniyadda 2007 ee golaha Wakiiladu wax-ka-bedelka ku sameeyay, balse Madaxweyne Rayaale dib u soo celiyay shirgudoonka Wakiiladuna diidday inay golaha dib u soo hordhigaan.

Madaxweyne Rayaale ayaa isaga la sheegay inuu rajo-weyn ka qabay guddida dhexdhexaadinta ee Guurtidu u saaray khilaafaadka goleyaasha, taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Rayaale filayay in labada arrimood ee laysku hayaa sida uu doonayo ay u dhici doonaan.

Sida ay tibaaxeen ilo kale oo xog-ogaal u ah kulamada Madaxweyne Rayaale iyo shirgudoonka Guurtida ku dhexmaray Qasriga Madaxtooyada oo la sheegay in ay ahaayeen laba kulan oo maalmihii dorraad iyo shalay dhexmaray labada dhinac, wuxuu Madaxweyne Rayaale u soo bandhigay shirgudoonka Guurtida inay talo ka soo bixiyaan sidii doorashada goleyaasha degaanka ee qorshuhu yahay inay daba-yaaqada sannadkan ka qabsoomaan dalka dib loogu riixi lahaa, isagoo Madaxweynuhu taas u cuskanaya in wakhtigu soo gabaabsi noqday isla markaana loo baahan yahay in la diiwaan-geliyo codbixiyeyaasha.

Qorshahan uu u soo bandhigay Madaxweyne Rayaale xubnaha shirgudoonka Guurtida, ayaa ah arrin beryahanba la saadaalinayay inay xukuumadda Rayaale qorshaynayso sidii muddada xilka loogu kordhin lahaa, isla markaana aanay Madaxweyne Rayaale diyaar u ahayn inay doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo Madaxtooyada wakhtigoodii qabato.

Si kasta ha ahaatee, Shirgudoonka Guurtida ayaa la filayaa inay maalinta sabtida berito golaha Guurtida hortiisa ka akhriyi doonaan warbixin ku saabsan kulamadii ay la yeesheen shirgudoonka Wakiilada, taas oo lagu tilmaamay inay tahay mid aad u xasaasi ah oo ay arrimo farabadan ku soo bandhigi doonaan. Balse lama ogga inay warbixintoodaas ku soo dari doonaan kulamada ay la yeesheen Madaxweyne Rayaale iyo waxyaabaha ay kaga wada-hadleen.

 


Taliyihii Xabsiga Mandheera Iyo Ku-xigeenkiisii Oo Xilkii Laga Qaaday

Hargeysa, August 3, 2007 (Haatuf) – Taliyihii Xabsiga Mandheera Muuse Abokor Qoorsheel iyo ku-xigeenkiisii Cabdi Xasan Bakeyr, ayaa la sheegay in maalintii shalay xilkii xabsiga Mandheera laga qaaday isla markaana loo soo dhaadhiciyay xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Asluubta ee magaalada Hargeysa.

Warar xog-ogaal ah oo ku dhowdhow Taliska Guud ee Ciidamada Asluubta ayaa sheegay in xil-ka-qaadista saraakiishani ay ka dambaysay kadib markii ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka cadhootay wufuud isugu jirtay siyaasiyiin iyo madax-dhaqameedyo reer Burco ahi oo ay saraakiishani u ogolaadeen inay arkaan siyaasiyiinta ururka QARAN ee xabsiga Mandheera muddo toddobaadka ah ku xidhan.

Xil-ka-qaadistan saraakiishan ayaa la sheegay inay xukuumaddu sabab uga dhigtay inay yihiin kuwo u debecsan maxaabiista ay ku hayaan jeelka iyo dadka booqashada ugu imanaya, iyadoo ay jiraan culays ay xukuumaddu si gaar ah u saartay siyaasiyiinta ururka QARAN ee xabsiga Mandheera ku jira, kuwaas oo ay dadka eheladooda iyo asxaabtooda ah ee booqanaya ku xidhay inay ogolaansho Maxkamadeed u qaataan marka ay doonayaan inay xabsiga ku booqdaan, taas oo caqabad ku ah dadka uga imanaya siyaasiyiinta gobolada bari ka xiga degmada uu ku yaal xabsiga Mandheera.

Warka xil-ka-qaadista Taliyeyaasha xabsiga Mandheera ayaan si rasmi ah shaaca looga qaadin, isla markaana lama ogga sababta dhabta ah ee keentay xil-ka-qaadistooda wakhtigan, balse sida ay ilo xog-ogaal ahi tibaaxeen xil-ka-qaadistoodan ayaan ka fogeyn inay dad meelo fog-fog ka yimid u ogolaadeen inay arkaan Siyaasiyiinta ururka QARAN ee xabsiga Mandheera rumaanka loogu hayo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in amarka la siiyay Taliyeyaasha xabsiga Mandheera ee ku saabsan inaanay cid aan ogolaansho ka sidan Maxkamad ama madaxda sare ee Asluubta u ogolaan inay arkaan siyaasiyiinta ururka QARAN, uu ahaa mid afka uun laga faray, balse aanu jirin amar qoraal ah oo ay ku qanciyaan dadka meelaha fog-fog ka soo booqanaya siyaasiyiintaas ee aan iyagu markaa wax qoraal ogolaansho ah siddan, taasina ay culays farabadan ku keentay saraakiisha xabsiga Mandheera maamulaysay, iyadoo aanu jirin sharci ka mamnuucaya in maxaabiista ku jirta jeelasha ay booqan karaan ehelkooda iyo asxaabtooduba, waxaanay diidmada noocan oo kale ahi ka soo horjeedaa qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda maxaabiista.

Badhtamihii bishii March 2007 ayay ahayd markii uu gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) uu xabsiga Mandheera ku booqday suxufiyiin halkaas ku xidhnayd, isagoo Axmed Siillaanyo wakhtigaa uu booqanayay xabsiga Mandheera ogolaansho uga sii qaatay Taliska Guud ee Ciidamada Asluubta, haddana waxay booqashadaas gudoomiyaha KULMIYE keentay in handadaad iyo cago-jugleyn ay ka soo gaadhay Taliyaha xabsiga Mandheera ee hadda xilka laga qaaday Mr. Qoorsheel, kaas oo looga yeedhay Taliska Guud ee Asluubta, isla markaana loogu hanjabay inuu hadalo aan loo baahnayn u sheegay masuuliyiintii halkaas booqatay.

Hab-dhaqanka noocan ah ayaa muddooyinkan dambe si weyn ugu soo badanaya xukuumadda Madaxweyne Rayaale taas oo muuqaal xun ka bixinaysa haykalka dawladnimo ee Somaliland, waxaana nidaamka noocan ah isticmaala wadamada ay ka jirto digtaatooriyadu ee caadaysta ku tumashada shuruucda iyo xuquuqda bina-aadamka.

Sabtidii toddobaadkan ayay ciidanka Bileysku xabsiga u taxaabeen hoggaankii sare ee urur-siyaasadeedka QARAN oo kala ah Gudoomiyaha, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labadiisa gudoomiye ku-xigeen Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim, kuwaas oo uu Garsoore ka tirsan Maxkamadda gobolka Hargeysa toddoba cisho oo rumaan ah ugu diray xabsiga Mandheera, ilaa iyo haddana aan weli cayimin wakhtiga Maxkamadda la horkeeni doono, iyadoo tan iyo maalintii xabsiga loo taxaabay hoggaamiyeyaasha QARAN ay soo baxayeen baaqyo isdaba-joog ah oo ay inta badan bulshada reer Somaliland iyo ururada xuquuqal-insaabka iyo Axsaabta siyaasadduba ugu baaqayaan xukuumadda Madaxweyne Rayaale inay si degdeg ah xoriyadooda ugu soo celiso siyaasiyiintaas, isla markaana waxay xadhigooda baaqyadaasi ku tilmaameen mid sharci-darro ah oo gef loogu geystay sharaftii iyo karaamadii ay siyaasiyiintaasi bulshada ku dhex lahaayeen.
 

Top


Sarkaal Ka Socda Xafiiska EU-da Ee Nairobi Oo Shalay Dalka U Yimid Xadhigga Siyaasiyiinta Ururka QARAN

Hargeysa, August 3, 2007 (Haatuf) – Sarkaal ka socda Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi ayaa la sheegay inuu maalintii shalay dalka u yimid inuu wax ka ogaado xadhigga ay xukuumadda Somaliland kula kacday hoggaamiyeyaasha urur-siyaasadeedka QARAN, kuwaas oo Sabtidii toddobaadka xabsiga Mandheera lagu aabudhay.

Sida ay ilo xog-ogaal ahi Haatuf u sheegeen imaatinka Sarkaalkan oo aan la shaacin, ayaa markii uu soo gaadhay Hargeysa waxa uu kulamo la yeeshay hay’adaha amniga iyo garsoorka, waxaana la sheegay inay sarkaalka EU-da iyo hay’adaha Garsoorka Iyo Amniug ka wada-hadleen qaabkii loo maray xadhigga hoggaamiyeyaasha urur-siyaasadeed QARAN ee xabsiga Mandheera muddada toddobaadka ku jiray.

Warku wuxuu intaas ku daray in ay hay’adaha Garsoorka iyo Amnigu ka war-wareegeen inay sarkaalkaas tafaasiil ka siiyaan qaabkii loo maray xadhigga siyaasiyiinta ururka QARAN, hase yeeshee waxaa la sheegay in Sarkaalka EU-da markii dambe la siiyay nuqul ka mid ah gal-dacwadeedka lagu eedaynayo saddexda siyaasi ee ururka QARAN, kadibna waxaa la sheegay in Sarkaalkaasi isla shalayba dib ugu laabtay Nairobi oo uu markii ka soo kicitimay.

Dabaayaqadii bishii ina dhaaftay ee July ayay ahayd markii uu booqasho Somaliland ku yimid ergayga Midowga Yurub u qaabilsan Somalia, Mr. George Marc-Andre, kaas oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay xukuumadda, xisbiyada mucaaridka, urur-siyaasadeedka QARAN iyo ururada bulshada, waxaana la sheegay in kulankii ay Ergayga Midowga Yurub iyo Madaxweyne Rayaale yeesheen ay kaga wada-hadleen in la dhammaystiro geedi-socodka dimuqraadiyada ee Somaliland qaadatay, isla markaana la dhammaystiro wixii khilaafaad ah ee is-hortaagi kara inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinku, iyadoo si gaar ahna arrinta urur-siyaasadeedka QARAN ay Ergayga Midowga Yurub iyo Madaxweyne Rayaale isula soo qaadeen, waxaanu Mr. George Marc-Andre sheegay in arrinta urur-siyaasadeedka QARAN-na ay Madaxweyne Rayaale ka wada-hadleen.
Midowga Yurub oo taageerada ugu badan ka geysta doorashooyinka iyo geedi-socodka dimuqraadiyadda ee Somaliland, ayaa walaac-weyn ka qaba tallaabooyinka ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale muddooyinkan dambe ku talaabsatay, kuwaas oo meel-ka-dhac ku ah nidaamka dimuqraadiyada iyo xoriyatul-qawlka, waxaanay taasi keeni kartaa in Midowga Yurub ay wax ka bedesho siyaasadeedii ay ku taageeri jirtay nidaamka doorashooyinka Somaliland.

Gebi ahaanba tallaabooyinka xukuumadda Rayaale xadhigga u geysato suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta, ayaa waxay Somaliland ku keeni karaan sumcad-xumo weyn iyo dib-u-dhac ku yimaada ictiraafka ay beesha caalamka ay ka doonayso, isla markaana lumin karta ixtiraamkii ay Somaliland ku kasbatay taaba-gelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo xoriyatul-qawlka.

Top


“Xukuumaddu Waxay Uga Jeedaa Xadhiga Masuuliyiinta Qaran Iyo Cago-Juglaynta Taageerayaashooda In Dalka Fawdo Ka Dhacdo”
Shir-jiraa’id – Ururka Qaran, Maxamed Cabdi Daa’uud

Hargeysa, August 3, 2007 (Haatuf) – Guddida Urur Siyaasadeedka Qaran ayaa ku tilmaamay talaabadii ay xukuumadda Rayaale xabsiga Mandheera ugu taxaabtay madaxdii sarsare ee ururka Qaran, kuna xidh-xidhay taageerayaashii ururkaasi mid ay ku doonayso sidii ay dalka qas iyo jah-wareer uga dhalan lahaa, doorashadana ay carqaladi ugu iman lahayd, isla markaana sheegay in qorshaha xukuumaddu ku talo-jirtaa uu yahay sidii ay golaha guurtida uga codsan lahayd in dalka xukun deg-deg ah lagu soo rogo.

Sidaana waxay ku sheegeen guddida ururka Qaran shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xafiiskooda Magaalada Hargeys, xubnaha ay ka mid yihiin Maxamed Cabdi Daa’uud, Cali Ducaale, Baashe Cabdi Gaboobe iyo xobno kale oo ka tirsan guddidaasi.
Waxaanu qoraalka ay xubnaha guddidaas ururka Qaran ay halkaasi ka akhriyeen waxa uu u qornaa sidan:

“Xadhigga madaxda Ururka Qaran, iyo caga-juglaynta lagu hayo taageerayaashiisa waa Xaalad Abuur ujeedada ka dambaysaa tahay sidii wadanka qas looga abuuri lahaa, qiilna uu Xisbul-xaakimku uga heli lahaa sidii dooroshooyinkan soo fool leh ee mudada yari ka hadhay loo qalin daari lahaa.

Nidaamkan UDUB ee hoggaaminaya dalku, waxa uu qorshaystay in waddada arrintaas loo marayaa noqoto xidh-xidhka iyo afduubka madaxda Uruka Siyaasadeedka Qaran, si xad-gudubkaasi uga cadhaysiiyo ummadda, deedna ay ka dhalato "amar-diiddo" ama kacdoon ummaddeed, oo ay xukuumaddu xabad iyo xoogga ciidankeena kaga jawaabto. halkaasna fawdo ka aloosanto. Ka dibna Amar Deg-deg ah lagu soo rogo dalka, Xukuumadduna ay ka codsadaan Guurtida inay u ansixiyaan, ka dibna doorashooyinkii la laalo.

Mu'aamaraddaas waxa fashiliyay bisaylka siyaasadeed ee madaxda Ururka Qaran iyo taageerayaashiisa, oo isu dhiibay si nabad-galyo ah, una badheedhay in ay u dulqaataan xadhiga iyo tacaddiga lagula kacay si ay dalka iyo dadkaba u badbaadiyaan, taas waxay u doorbideen in umadu u hiiliso iyaga oo qabiil iyo qaab kale oo dalka Somaaliland wax u dhimaaya aan la adeegsan.

Xukuumaddan UDUB ee hoggaaminaysa talada dalku, waxa ay caadeystay, baahinta borobagaandooyin aan sal iyo raad toona lahayn oo laga sii daayo Idaacadda iyo TVga Qaranka, kuwaas oo fasiraad qaldan ka bixinaaya ujeddooyinka Ururka Qaran, iyo madaxdiisa xaq-darada ku xidhanba, Waxa kale oo la-yaab leh Muwadiniinta ka gilgishay xadhigga lagula kacay madaxda Ururka Qaran ee aragtidooda ku baahiyay wer-geysyada xorta ah oo xabsiga loo taxaabey. Dhinaca kale, sheeko baraleyda uu fidinayo Bulaale iyo Xisbigiisa UDUB, waa mid ka soo horjeeda xaqiiqada muran ma-doontada ah; ee in madaxda sare ee Urur Siyaasadeedka Qaran, ay ka mid ahaayeen raggii lahaa bud-dhiga xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, ee jabiyey cuqdaddii taariikhiga ahayd ee kala dhextaalay labda ummadood ee Walaalaha iyo Jaarka ah.

Khilaafka Xukuumaddu, ku mar-marsoonaysoo ee ku saabsan Furashada Ururo Siyaasadeed iyo sharcinimadooda, waxaa cadeyn ugu filan daraasadda cilmiyeysan ee ay ka sameeyeen Ururka Garyaqaanada Somaliland, SOLLA, dhawaana ku baahiyeen warbaahinta gudaha, taas oo si waafiya u sharaxaysa qodobada dastuuriga ah ee ay xukumadu muranka gelisay sida qodobka 23aad faqradiisa 3aad, iyo xeer No.14. Kuwaas oo xukumadu si qaldan u fasirto. Waxay xukumadu had iyo jeer cuskataa qodobka 9aad, kaas oo xadidaya tirada xisbiyada Siyaasiga ah ee dalka ka jiri kara, iyadoo daboolaysa ama daaha saareysa nidaamka dastuuriga ah ee ay ku imanayaan Xisbiyadaas la xadiday oo asalkoodu ka abuurma Unug Urur Siyaasadeed. SOLLA, Waxay ku caddeeyeen daraasaddooda in Furashada Ururada Siyaasi ahi bud-dhig u tahay doorashada golayaasha degaanka, oo iyaduna saldhig u ah soo bixitaanka sadexda Xisbi Siyaasadeed oo ku tartama Doorashooyinka Qaranka (Doorashada Madaxweynaha iyo ta Baarlamaanka).

Somaalilnd, waxay ka kasbatey bulshada caalamka magac iyo ixitiraam weyn kaasoo soo dedejin kari lahaa aqoonsigeena, balse ay carqalad ku keentay dhacdooyinka ay xukumadu ku talaabsanayso beryahan dambe kuwaas oo ay ka mid yihiin;
· Fulin la’aanta shuruucda iyo xeerarka ay ansixiyaan golaha wakiiladu.
· Ku tumashada iyo jabinta Dastuurka iyo Xeerarka Dalka u degsan.
· Ku dhaqan la’aanta miisaniyad sanadeedka iyo xisaab-xidh la’aanta, taas oo lagu xalaashado lunsiga iyo boobka hantida Ummadda.
· Hawl-gelin la'aanta gudiga dooroshooyinka qaranka.
· Xidh-xidhka, cabudhinta, caadadinta ,caga-juglaynta muwaadiniinta iyo is-hortaagga Furashada Ururo Siyaasadeed.
Arrimahan aan sare ku soo sheegnay waxay caalamad su,aal gelinayaan masiirkeena qaranimo ee looga fadhiyey xukuumaddan. Waxaa kale oo aan la dabooli karin, Kulankii Ergayga EU-da u qaabilasan S/land/Somaaliya uu la kulmay Ururka Siyaasiga ah ee Qaran, Axsaabta kale iyo Xukuumadda, kaasoo caddeeyay inay waajib tahay in la raaco Dastuurka dalka u degsan, oo jidaynaya Furashada Ururada Siyaasiga ah, oo saldhig u ah geedisocodka Hannaanka Xisbiyada badan. Taasina ay tahay tan keentay in ay ka taageeraan S/land dhinacyo badan. Sidoo kale, wuxuu ku dardaarmay inay waajib tahay in la qabto Doorashooyinka wakhtigii loo cayimay oo aanay dib uga dhicin, hadii kale, ay ka fiirsan doono kaalmadii iyo taageeradii ay siin jireen S/land.

Haddaba Ururka siyaasiga ah ee qaran waxa uu u arkaa xadhiga madaxda sare ee ururka, oo ah mujaahidiintii dalkan u soo halgamay, inuu yahay dhaawac ay Xukuumaddu gaadhsiisay sumcadda S/L, oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka dalkan u degsan, waxayna halis ku tahay Aqoonsiga Bulsho-weynta Caalamka ee Qaranimadeena. Waxaan shaki ku jirin dhacdadan, iyo kuwa kale ee aynu kor ku xusnay, inay hordhac u yahiin dib u dhiga dooroshooyinka golaha degaanka, iyo hanaanka geedi-socodka dimoqraadiyada curdinka ah ee ay ahayd inay dalkan ka hana qaaddo.
Ururka siyaasiga ah qaran waxa uu mar labaad si adag u canbaraynayaa xadhiga loo geystay madaxdii sare ee Ururka Siyaasiga ah ee Qaran oo kala ah:

1. Dr. Maxamed Cabdi Gabose
2. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo
3. Jamaal Caydiid Ibrahim.

Waxa kale uu canbaareynayaa xadhiga iyo afduubka foosha xun ee lagula kacay muwaadiniinta ay ka mid yihiin Caaqil Cabdirahmaan Cawaale Dudo-kabood, iyo Maxamed Cabdi Jibriil, oo ciidanka booliisku ka qab-qabatay suuqa Hargaysa 31 july 2007, kuwaas oo lagu eedeyay inay taageerayaan Urur Siyaasadeedka Qaran.

Ururka Qaran waxa uu u soo jeedinayaa xukumadda:
 Inay si degdega u sii dayso madaxda sare ee Urur Siyaasadeedka Qaran, isla mar ahaantaana xoriyadoodii u soo celiso muwaadiniinta kale ee xidh-xidhan.
 Inay dhisto gudigii diwaangelinta Ururada Siyaasiga
 Inay ka waantowdo cabudhinta iyo hanjabada ay ku hayso muwaadiniinta.
Ururka Qaran waxa uu ugu baaqayaa gudiyada joogtada ah ee labada aqal barlamaan inay qaban qaabiyaan fadhi ay ku dhegyastaan dhinacyada ku muransan arrinta fururshada Ururada Siyaasiga ah.

Urur Siyaasadeedka Qaran waxa uu u arkaa moqfiyada Xisbiyada Udub iyo Ucid ay ka taaganyihiin Ururka Qaran iyo madaxdiisa xaq-darada ku xidh-xidhan, lamaane isku dhafan oo aan ku kala duwanayn siyaasadooda Tartan Diidka ee cabsidu dabooshay, kuwaas oo jidaynaya cabudhinta iyo xadhigga siyaasadaysan ee Xukuumaddu kula kacdo siyaasinta iyo muwaadiniinta, isla markaana lid ku ah dastuurka iyo xeerarka qaranka soomaalliland.
Ururku Siyaasadeedka Qaran wuxuu amaan iyo bogaadin u dirayaa Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye iyo taageerayaashiisa oo si geesinimo leh u caddeeyay mowqifkooda siyaasiga ah ee ay ka taagan yihiin arrimaha Ururka Qaran, waxaanu u arkaa Xisbi u bisil arragtidiisa siyaasiga ah una diyaar ah dhaqan gelinta hannaanka axsaabta badan ee aynu dooranay iyo fulinta dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal.”

Intaas kadib, su’aalihii halkaasi lagu weydiiyey iyo jawaabahoodii waxay u dhaceen sidan:

S: Waxa jira in hogaamiyeyaashii ururkiina QARAN ay xabsiga ku xidhan yihiin, isla markaana markale laba xubnood oo kale la xidhay, wasiirka daakhiliguna sheegay in aanu xadhigu ku koobnayn oo qudha saddexda masuul ee qaran, balse xabsiga loo taxaabi doono cidii kale ee raacsan iyo cidii kale ee talaabo qaadaba, arimahaas sideed u aragtaan?
J: Runtii qaranna waa laga gar-darnaa, dadweynahana waa laga gardarnaa, dawladda waxaad moodaa in aanay sharcigii ku dhaqmaynin, xeerarka marka ugu horeysa ee xuquuqal iinsaanka laga hadlayo iyo xaqa muwaadinku leeyahay, waxay yidhaahdeen waxa waajib ku ah qodobada ka hadlaya waxa weeye dastuurka qaybtiisa 1-aad, xubintiisa 3-aad, wax kale kama hadlayso, arimahaa ilaa dhawr iyo toban qodob weeyaan, waxaan leeyahay dhowr iyo tobankaa qodob xukuumadii akhrista. Waxay faqrada ugu horeysa leedahay xeer ilaalinta, fulinta iyo garsoorka waxa ku waajib ah inay u hogaansanaadaan qodobada qoran, qodobadaasina waa kuwan lagu xidhay qaran, qodobada hoos ku qorani waa kuwii lagu xidhay salaadiinta aad sheegaysaan, qodobada hoosta ku qorani waa kuwa guryahayaga lanoogu soo daadanayo, qodobada hos ku qorani waa kuwa beeraha iyo hantida gaarka ah ee ay dadku leeyihiin ee kulamada nabadgelyada ah ee aayo ka talinta Somaliland loogaga hadlayo ee ay ahayd inay dawladu sharaab noogu dhigdhigaan ileyn waa wax danta ummadda loogu adeegayo, inay inta ay u soo dhacaan xidhaan, basaasaan, xanibaan waa xuquuqdooda lagu tumanayo, markaa dastuurkeena waxaanu leenahay dawlada ka codsanaynaa oo leenahay samuhu ma duugoobo, dembiga ummada laga galayana ama dalka laga gelayana mid la iloobi karo maaha.

Top


“Madaxweyne Kursigan Kumaad Iman Inqilaab Sidii Siyaad Barre Ee Doorasho Ayaynu Ku Nimide, Xoriyadii Dadka Haloo Soo Celiyo

“Kuwa Kula Talinayaa Waa Kuwii Diricyada Kaga Baxay Wadanka.. Cawilna Waxa Uu Ahaa Ragii Markay Ajaanibka Afrikaanka Ahi Yimaadaan..”
Garabyada Haweenka KULMIYE Iyo Ururka QARAN – Shir Jaraa’id

Hargeysa, August 3, 2007 (Haatuf) - Shir-jaraa’id oo ay qabteen garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE, urur-siyaasadeedka QARAN iyo haweenka Qurba-jooga Somaliland layaa si kulul u cambaareeyey xadhigga masuuliyiinta urur-siyaasadeedka QARAN, kaas oo ay ku tilmaameen mid sharci daro, gef iyo xoriyadii muwaadiniintu ay u lahaayeen in ay samaystaan Ururo siyaasi ah oo lagu tuntay.

Shirkan jaraa’id oo ay ka soo qayb-galeen haweenka ka socda Golaha Wakiilada Somaliland, urur-siyaasadeedka QARAN, Xisbiga KULMIYE iyo xaasaska hoggaanka QARAN ee xabsiga Mandheera ay xukuumaddu u taxaabtay, ayaa waxay dhammaan haweenkaasi isla qireen in siyaasiyiintaas lagu xidhay sharci-darro, iyagoo xukuumadda Madaxweyne Rayaale-na uga digay in cago-jugleynta iyo cabudhinta ka dayso dadka shicibka ah, taas oo keeni karta dhibaato dalka iyo dadkaba waxyeeleyn karta.
Ugu horayna waxaa halkaa ka hadashay Gudoomiyaha garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa Layla Cismaan Yuusuf, waxayna hadalkeeda ku bilawday “Ujeedada aynu maanta shirkan jaraa’id iskugu nimid waxaa weeye in aanu ka hadalno xadhigga mujaahidiinta xidhan, ee hogaanka urur-siyaasadeedka QARAN, waxaanu leenahay xadhiga nimankan waaweyn ee xidhan waa sharci daro, cambaareyn xoog lehna waanu u soo jeedinaynaa, isla markaana xoriyadoodii si shuruud la’aan ah ha loogu soo celiyo, dawladana waxaanu ka codsanaynaa nimanka waaweyn ee xadhigga sharci darada ah lagu kacay iyo sharci darooyinka badan ee jira runtii waa wax u xun dalka iyo dadkaba, khalkhalna galinaya, dawladu dadka yaanay khalkhal galinin, oo aanay kicin xamaasadna ku abuurin, oo waxa ay xisbiyada iyo dadkaba ku eedeenayaan ee ay leedahay khalkhal iyo kicin inay ka imanayaan xukuumadda, iyadaa raali ka ah in uu dadku kaco, oo mushkilado la sameeyo, anagu garan mayno ujeedada ay ka leedahay in ay mudo kordhin ku doonayso, inay doorasho dib u dhigid ka doonayso kolay ujeedo ayey ka leedahay, laakiin u jeedada ay ka leedahay iyadaa garanaysa, anaguse waxaanu u aragnaa inay ujeedo iyada u dan ah ka leedahay, khal khalkan iyo waxa kan sharci darada ah ee ay sameynayso. Sharciyada hadii lagu tunto, oo la eegi waayana waxyaabo badan oo fool xun ayaa ka dhalan karta, dawlada waxaanu leenahay, raggu in badan ayey hadleen, cidina dhag jalaq way u siin waydey, dumarka oo biri ma gaydo ah oo had iyo jeer hadalkoodu yaryar yahay, waxay diidaana runtii ay adag tahay sida ay u meel martaa, ayaanu dawladda u soo jeedinaynaa, dumarku haday soo jeestaan oo diidmo bilaabaan oo ragga ku darsamaan waxa u malaynayaa wax fara badan ayaa inaga xumaanaya, dumarku waxbay dhisaan waxse ma dumiyaan, haddii ay dumin bilaabaana Absolutely sideeday u duntaa, markaa waxaanu leenahay anagoo dumin u jeedin , in ay wax dumaana diyaar u ahayn, dawladda waxaanu leenahay talada ha qaadato oo ta haweenka, ta wax garadka ha qaadato, wax aa kale oo meesha yaalaa ma jiraan, in la wada tashado oo wixii khilaaf ah ee dadka soo dhex gala ama siyaasiyiin ha ahaato ama bulshada kale ha ahaatee sidii dalka iyo dadkaba caadada u ahayd , waxaa lagu dhamayn jiray wada xaajood iyo talo qaadasho, laakiin imika waynu arkaynaa waxa meesha ka socda, waxaa weeyaan in taladii la kala qaadan waayey, oo nimankan meesha joogaa ee madaxda ah, madaxweynaha kaligii yaan la cambaareynin, anigu waxaan qabaa nin kali ahi waxna ma xumeyn karo waxna ma hagaajin karo, laakiin kooxda ku xeeran ayuu baa inta badan eeda leh, sababtoo ah ninka madaxda ah la taliyaashiisu haday xumaadaan isna wuu xumaadaa, markaa madaxweynuhu isagaa ugu tala galay la taliyeyaasha xun xun ee waxa xun kula talinaaya, wax aanu leenahay kuwa waxa xukun kugula talinaya waxaa ka wanaagsan, adiga oo qaata talada dadka wanaagsani kugula talinayaan, talada aanu ku siinaynaa waxay tahay inaad iska dayso tala xumayaashaa, wax dumi, wax laa, wax xidh, hebel qabo, hebel eeg, waxaanu ku leenahay dadku makala maarmaan, dalkan ayey leeyihiin oo dal kale ma leh, doraad waxaanu jaraa’idka ku arkaynay iyadoo lagu eedeenayo Dr: Gaboose iyo Eng; Maxamed Xaashi inay yihiin hadhaagii maxkamadaha, waxaan qabaa in ay kalmadaasi aad u fool xun oo khaldan tahay, maxkamadaha hadaynu reer Somaliland nahay ismaynu hayn, waxay is hayeen koofur iyo itoobiya, hadaynu nahay Somaliland wax maxkamado la yidhaah hadhaaa ama horeyso ha ahaadeene wax inaga dhexeeyey ma jirin, maxkamadaha shaqo kumaynu lahayn, taana waxaynu u aragnaa u yeedhis cadow, dee cadawga imanayana ragga shalay is waajaheen way joogaan, haday yimaadaana wax badan oo halkan ay ka qabanayaan ma jiro, aad ayaanu uga xunahay in dalka oo degan oo nabad ah in ragii mujaahidiinta ahaa ee dalkan iyo dadkan xoreeyey ee lahaa magaca iyo maamuuska in loogu yeedho cadow iyo xabad oo la yidhaah kaalay cadowoow qabta oo na qabsada , waa ayaan daro” ayey hadalkeedii ku soo gebagebaysay Marwo Layla Cismaan.
Waxaa iyana halkaas ka hadashay Aamina C/laahi Kaahin oo ka tirsan gudiga fulinta ee xisbiga KULMIYE, waxayna Marwo Aamina hadalkeeda ku bilowday “Waxaynu maanta joognaa dal nabad ah, laakiin waxaa la moodaa in ay dabada ka soo xumaanayso, cabsi weyn ayaa xitaa dadkii dibada gashay , oo ka werweraayey markii ay arrimahani dhaceen, markaa anigu waxaan ka hadlayaa runtii ma odhan karo madaxweynaha ayey arintani ka imanaysaa, dad ayaa ku xidhan, dadka ku xidhanina waa dadkii Maxamed Siyaad Bare ku xidhnaa ee dalkan iyo dadkan baabi’iyey, habeen walba u tageyey, halkuu Siyaad Bare ku dambeeyey, Daahir Rayaale wuu ogyahay, nimaan kuu rarayn yaanu kuu furin, kuwa kugu xeeran ee wararka beenta ah kuu sheegaya ee ku fooftaran habaabinaya , inay maanta jar kaaga talaabsanayaan , oo maanta dhibaatadii Siyaad Bare ku erinay, in ay soo wataan, markaa waxaan ku leeyahay oo madaxweynaha kula talinayaa in uu maanta la waari maayee war hakaa hadho, xilka qaran baa kuu dhiibtay mid mucaarid ah iyo mid muxaafid ahba, maanta waxaad tidhi Aabo ayaan u ahay, dalkan iyo dadkanba adaa hogaan lagaaga dhigay, waxaa weeyaan in dadka dulmi lagu xidhxidho, dadka in xoriyadooda laga qaado, in sharafta laga qaado maaha, madaxweyneyaasha waa la caayaa, adigase cidiba ku caayi mayso, cidina kula hadli mayso, afdaboolan dahab weeye ayey dadku yidhaahdeen, qof waliba waxa uu odhan lahaa calooshiisa ayuu ku qabsaday, madaxweynahayagii ayaad tahay, sharaf ayaad naga mudan tahay, in sharaftaa lagu siiyey iyo magacaa maanta dadkaagii iyo dalkaagii ku dhex joogtaa, yaanay afar nin oo maanta wax ba kuu tarayn oo shalay Maxamed Siyaad Bare jar ka tuuray yaanay jar kaa turin, markaa waxaan ku leeyahay inaad ka tanaasusho oo raggaa magaca leh ee sharafta leh, ee mujaahidiinta ah ee dadkoodii iyo dalkoodii u soo halgamay sharaftoodii u soo celi, oo raali galin ka siiso dhibaatada ragaa ku dhacday ee ubadkoodii yaryaraa iyo xaasaskoodii aad kala kaxaysey, ee wax ayna mutaysan ku xidheen, magaca iyo sharaf ayaad ku leedahay magacaagii soo cesho, waxaana ku leeyahay dadkaa xoriyadoodii u soo celi, Gaboose, Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid waxay usoo halgameen dalka, waa dad u soo dhintay , waa dad takfi iyo injiri u soo gashay oo dulcad u soo fadhiyey, kuwa kuugala talinaaya, waa kuwii diricyada kaga baxay wadanka ee ee la qarinaayey, markaa waxaan ku leeyahay yaan lagu fooftaran habaabinin. Anagu wanaag ayaanu kuu haynaa, waana ku ixtiraamaynaa, ee raggaa waa inaad shuruud la’aan u sii dayso”.

Waxa kale oo iyaduna shirkaas jaraa’id hadal ka jeedisay Nimco Xuseen Jaamac oo ka tirsan qurba jooga UK, waxayna hadalkeedii ku bilowday “Laba ujeedo ayaan doonayaa inaan ka hadlo, midi waa xaalada uu wadanku marayo, ta kalana waa wixii wadanka loo soo maray, maalmihii nimankan la xidhxidhay ayaan wadanka imid, waxaan xusuustay sideedtameeyadii, anaga oo caruur ah ayaa guryaha lana galin jiray oo la odhan jiray tabeelihii ayaa dibada joogee guryaha gala, wixii wadankan ka soo dhacay cid walba way og tahay, Riyaale waxaan u sheegayaa in aan riwaayad lagu helin, dadbaa u dhintay, dumarbaa u dhintay, caruur baa u dhintay, waa nasiibkaa meel aanad u dhibaatoon inaad ku fadhiisato, qurba jooga ayaan ka mid ahay, maanta hadaa la doonayo in tani dhacdo wixii oo dad ahi jidka laguma soo mari lahayn, Rayaalow kursigan iyadoo loo dhintay ayaad ku fadhiisatay, iyadoo loo gaajooday ayaad ku fadhiisatay, markaa waa nasiibkaa in ragii u soo halgamay ee Injirtu u soo gashay ayaa sida ugaadha layskaga tagaa dariiqa oo la eryaa, ama mujaahidiintii dumarkooda iyo caruurtooda madax ahaayeen ee u soo balanbaleen hortooda aad ku cabaysaa, noloshii iyo dhiigii loo soo maray, markaa taasi waa ayaandaro, waxaana dhibaatada leh shacbiga Somaliland, waayo ninkii u soo halgamay iyo kii looga halgamay ayey kala doorateen, waxaan u maleynayaa gabadh reer Somaliland ah oo Aamina Waris (xaaska gudoomiyaha Kulmiye) ka halgan badnayd inayna jirin, waayo gabadh caruurteeda lagaga tagay oo ninkeedii mujaahid noqday, haddana caruurteedii iyo reerkeedii iyo nolosheedii ilaashatay, oo inta uu ninkeedu ummadda u halgamayey , iyana caruurteedii u halgamaysay, muwaadinimo taas ayaa ugu fiican, Hay’adda ay shaqada ka heshay waa tii ninkii Kiiniyaanka ahaa laga siiyey, markaa muwaadinimi taas ayey ka tahay Rayaale iyo nimanka maanta jooga, shacabka Somaliland waxay ahayd inay u mudaharaadaan markay taasi socotay.

Tayda labaad ee aan ka hadlayaa waxay tahay, dadkii isku jeclaa waad ogtihiin heerka ay wada taagan yihiin, agoomahoogii waa kuwan gidaarada wada taagan, waa tii wasaarada hortooda lagu laynayey ee budadka lala dhacayey, waa ta imika la yidhi lama odhan karo waa faqash, runtaanu u sheegaynaa ee Rayaale waa faqash ayuu ka hadhay, kuwa kale ee Cawil ku jiro waa faqash bay ka hadheen. Cawil waxa uu ahaa ragii markay ajaanibka Afrikaanka ahi yimaadaan gabdhaha ku casuumi jiray, idinkuna Ambasador iyo wasiir ayaad u taqaaniin.

Meeshani (wadanka) inay mar labaad lunsan tahay waxaa cadaynaya nin halgankii ku jiray kuma jiro, nin aqoon lihi kuma jiro, CID-na hadii ay wax qaban karayso Moorgan iyo Siyaad Bare ayey wax u qaban lahayd.

Wadanka maxaa loo qabtay afarta guri ee dadka hantidooda galiyey yeynaan eegine, wado ma leh, laydh ma leh, nin waliba guryo ayuu dhistay oo lacagtii dibada la dhigayo, dadka Somaliland mudaharaad ayaad xaq u leedihiin, caqliga inaad cabirtaan ayaad xor u tihiin, tii loo soo maray waad og tihiin, waa inaad waxan idinku bartay iska saartaan, Rayaale waxaa uu leeyahay cashuurta aan qaato, ha hadlin, dhig cashuurta hadii la qaadanayo cashuurtiina ha bixinina, markaa cashuurtina hadii aan wax lagu qabanayn ha bixinina ayaa dadweynaha Somaliland u sheegayaa.”

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadashay Sucaad Aadan Maydhane oo u hadashay Ururka Qaran, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Anigu waxaan u hadlayaa magaca ururka Qaran , waxaa aan u mahad naqayaa dadweynaha halkan iskugu yimid, qurbajooga iyo Kulmiyaba, waxaan u sheegayaa shacbiga Somaliland in Ururka Qaran yahay mid xor ah, kuna socda sharciga iyo dastuurka, wax dhibaato oo uu dalka u gaysanayaa aanu jirin, waxa aan doonaynaa waa waxa distoorkayagu nasiinayey, wax sharci daro ahna kuma socono, waxaanu u sheegaynaa madaxweynaha iyo kooxdiisa la shaqaynaysaa in ragii u soo halgamay, ee duuda u galay, waqtiga ay raaxaysan lahaayeen in jeelka galaan, waa nasiib daro, wax la filaayo may ahayn, , dhowr iyo labaatan sanadood dadkii soo halgamayey ee u dhimanayey inay dib ugu noqdaan wixii ay ka dagaalamayeen waaa nasiib daro, waxaanan u sheegayaa inaanu ururkayagu ahayn mid baaqanaya, sharci lanagu qanciyo mooyee, mid joogsanaya maaha, jeelkana hadii buuxsamo anagu wixii aanu xaqa u leenahay waanu wadaynaa kana tanaasuli mayno, shuruud la’aan waa inuu sida ugu degdeg badan ugu sii daayaan.

Ugu dambayntii shirkaas jaraa’id waxaa soo gunaanaday Xildhibaan Ikraan X. Daa’uud Warsame oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana ka Xildhibaanada xisbiga KULMIYE ugu jira golaha Wakiilada, waxaanay Marwo Ikraan ka sharciyada ururada siyaasadda, iyadoo faahfaahin ka bixisay qoddobada dastuuriga ah ee ay hoggaamiyeyaasha ururka QARAN ku doodayaan iyo qoddobada ay xukuumaddu ku andacooto inay sharci-darro ka dhigayaan ururo cusub oo dalka laga furo, waxaany Xildhibaan Ikraan Xaaji Daa’uud si cad u bayaamisay sharcinimada urur-siyaasadeedka QARAN, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa oo ay tidhi: “Waa arin intii dareen lihi, intii alla ka cabsanaysaa wax iska waydiinayso. Waxaad moodaa in dadkeenii waxaan laysku haysto khusaynba, Somalidu waxay ku maahmaahdaa ninkii qayrkii loo xiirayow adna soo qoywso, markaa qof aqoon leh oo kula nool oo magac leh sharci-darada lagula kacay , waa inaad adna ku fikirto soo adna kuguma soo socoto, waxaa inaga maqan in aynu iska waydiino, waxan aad uga cudurdaartay oo ka xumahay in qaybtankii qabiilku inagu soo noqday. Waxaan saxaafadda inta badan ku arkaa anagoo reer hebela, waxaan anigu ahay gabadh reer Awdal ah, marka waa in aynu ka baxnaa waxaas oo kale.

Haddii aan u soo noqdo arinka iyada ah, dareen haween ayaanu isku weydiinay, dareen shalay aanu fadhinay ayaanu iska waydiinaynaa , waxaa khasab noqotay bal in codkayaga haweenimo wixii aanu ka qabno dibad iyo gudaba wax ka nidhaahno, waxaynu ku dhaqanaa waa waxa golaha wakiilada ka soo baxa, saddex siyood ayaa loo isticmaalaa, fakir ka yimaada xaga xukuumadda, ku kale oo Guurtida ka yimaada, iyo mid wakiilada ka yimaada, markaa waxyaalaha markaa wax laysku daro, saddexdaa nidaam la mariyo ayaa la ansixiyaa oo digreeto madaxweyne ku soo baxdaa, halkan waxaan idiinku hayaa Xeer 14 waa xeerka ka hadla Ururada, xeerkaa waxaa mar walba ku qoran urur/Xisbi, urur/xisbi, waxa isweydiin ah maxaa bedelay oo golaha wakiiladu odhan karaan kaas ayaa ku badalnay oo xisbigaa ayaa uu jooga e , ma joogo urur, waxaan ka marag kacayaa xeerka wax badalaya in qodobka isaga ah ee marka hore sheegaya qodob afraad xisbiyada siyaasadeed ee ku meel gaadhka ah , qodobkaas isaga ah hadaan faqradiisa 4aad ka hadlo, wuxuu sheegaya urur/xisbi la siiyo ogolaansho, waa urur/xisbi siyaasadeed waa in xeerkiisu ku cad yahay, halka waxaa ka muuqanaya in urur/xisbi aan wax bedalo aanu jirin, run ahaantii la rabo sifaha ragan loo eryanayo, in waxay ahayd in xukuumadu ka hawlgasho golaha wakiilada oo ay tidhaahdo halkaa wax ka soo saara taas ayeynu odhan lahayn, qoladani maxay la degdegayaan, soota bahalkii aanu badalnay, kaas isaga ahna ma hayno run ahaantii, halkaa iyada ah xeerka doorashooyinka ah, ee golaha deegaanka iyo madaxtooyada , iyada meel walba way kaga taalaa, oo waxa la leeyahay urur/xisbi ….xisbi/urur ka.. waa tartan loo tartamaayo oo cid ka joojinaysaa aanay jirin.

Dastuurka qodobka 9aad hadaad eegto nidaamka siyaasadeed ee JSL, waxaa saldhig u ah nabada talo wadaaga, dimuqraadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan, faqrada 2aad waxaa ay kuu sheegaysaa tirada xisbiyada siyaasigaa ah, kama badnaan karaan saddex, waa ta imika dadku ku jahawareereen ee la leeyahay saddex xisbi kama badnaan karaan, haa waa run, waala leeyahay, laakin meel walba waxaa kaga taal urur/xisbi tartan ayuu soo galayaa, kuwa ugu tirada badan ayaa xisbiyda noqonaya, faqrada 4aad kuma taal saddex xisbi ee soo baxay ayaa muqadas ah, wax tafaasiil ah oo uu ka dhigay ma jirto, inta badan waxa lagu odhanayaa saddex xisbi sowtii la yidhi ee dastuurkeeni cayimay, wuu cayimay laakiinse ma hakin, xeerkii hakin lahaa kaas ayuu ahaa, xeerkani wax bedelaad ah laguma samayn oo la yidhi kuwa soo baxaa xisbiyo noqonaya, maxaynu ka bedelnaa oo layska weydiiyey haba yaraatee ma jirto. Ururka QARAN beylahdaas badan ee run ahaantii taalay ee aan waxba layska weydiin ee uu is –yidhi markuu sharciyadii soo maray talow maxaad ku dhowaaqdaa, wax kuu diidayaa ma jiree, waa haddii aynu ka daacad nahay sharciga ee aynu leenahay sharciga ee aynu ku cel-celinayno.

Haddii aan u soo noqono qodobka 22-aad ee xuquuqda siyaasadeed ee dhaqaale ee bulsho ama xaqa doorashada, xuquuqdaa iyada ahi muwaadin kastaa waxa uu xaq u leeyahay inuu ka qayb-galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo dhaqanba, si waafaqsan xeerka iyo dastuurka, wax haba yaraatee diidaya ama joojinaya weynu isla garan karnaa oo waynu isla ognahay.

Qodobka 23-aad isna xoriyada dhaqdhaqaaqa iyo is-abaabul oo aan odhan karno, waxaynu maqalnaa way hadlayaan, wali calamo maynu arag, xafiisyadooda si cad umaynu baran, waa inay dadkii tusaan inay ka qayb-qaadanayaan, ileyn shan sanno ayaa ka soo wareegtaye, waxayna mar walba leeyihiin in waxayagii ku dabaqno doorashada iyada ah ayay codsanayaan. Waxaad moodaa in ummaddii lagu riday jah-wareer.
Halkan baryo badan ayaa ka dhacda, gabadh naga maqan oo qurba joog ah ayuun baa wax dhalisay, oo hadii qof ii amaano ama ii heeso, waxaan ka jecelahay qofka khaladaadkayga iyo gal-dalooladayda sheega, si aan uga faa’iidaysto.

Haddaba, intan yar ee lay daayay, waxa weeye Madaxweynaha isku gobol ayaanu nahay, annaa cid walba ka xiga Md. Daahir Rayaale, wax wal oo dhacana xukuumadda ayaa ridda adigu aad madaxda ka tahay, laakiin sifuhu adiga ayuu kugu soo ururayaa, taariikhdana adiga ayay kuu galaysaa ama baal madaw ama baal cad, kursigan kumaad iman inqilaab sidii Siyaad Bare, hadii aad qori ku iman lahaydna waxaan odhan lahaa kuu doono ha xidho, kuu doono ha ka riixdo, halka uu ku dambeeyeyna cid waliba way ogtahay [Siyaad Barre]. Waxaan u malaynayaa dadka in aan anigu kuugu darannahay, maadaama aan kelmado ku idhi, waxaan kaa waaninayaa in kelmadan iyada aad ka faa’iidaysato oo doorasho ayaynu ku nimide, xoriyadii iyo dimoqraadiyadii laga tegin oo dadka xoriyada loo soo celiyo”.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Fay’sa C/laahi Aadan iyo Yaasmiin Cabdi Maxamed oo labaduba ku hadlayay magaca qurba jooga Somaliland ee UK.

Top


Mujaahidiin Ka Tirsan Ururkii SNM oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xadhigga Siyaasiyiinta QARAN

Mujaahidiin Ka Tirsan Ururkii SNM oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Xadhigga Siyaasiyiinta QARAN

“Isagoo dadkuu Laynayay Madaxweyne U Noqday Markaynu Xadhig Ka Cabano Inagaa …”

Hargeysa, August 3, 2007 (Haatuf) – Mujaahidiin ka tirsan ururkii S.N.M oo kulan ay isugu yimaadeen shalay kaga hadlay xadhiga masuuliyiinta ururka qaran iyo muwaadiniinta kale ee reer somaliland.

Kulankaas oo ay ka soo qayb galeen mujaahidiin fara badan iyo dumar raggoodii ay ku shahiideen dagaalkii S.N.M kula jirtay taliskii afweyne iyo hooyooyin inamadii ay dhaleen ku dhinteen dagaalkaasi, kulankan oo shalay ka dhacay xarunta Maqaamka Sh Madar ee magaalada Hargeysa waxa ay mujaahidiintaasi kaga hadleen xadhiga masuuliyiinta ururka qaran, waxa kale oo ay sheegeen tacadiga ay xukuumadu u gaysato shacbiga reer Somaliland ee maanta u baahan wax qabad iyo dibu-dhis.

Waxaana ugu horrayn halkaa ka hadlay Muj C/risaaq Maxamuud Kaarshe (Dheg-Jar)
Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “waxaynu u soo dagaalannay dimuqraadiyad, xoriyatul qowl iyo horumar inay bulshadeenu gaadho, maanta waxaa muuqata intii laga soo dagaalamay intuba inay maanta kow yihiin oo 1982-kii dib loogu soo noqday, marka aynu eegno golayaasha qaranka, golaha qudha ee lasoo doortay waa wakiilada sharciyadii uu ansixiyay waxba kama jiraan baa laga soo qaaday, miisaaniyadii baynu araganay, labada xubnood ee komishinka ee dalkii lagu wareeriyay baynu arkaynaa waxaa ka danbaysay oo aynu imika arkaynaa laylama tartami karo, mujaahidiintii dalka u soo halgantay oo xaq u leh inay u tartamaan oo doorasho isu soo taagaan ayaa si sharci darro ah jeelasha loogu taxaabay Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Eng Maxamed Xaashi Cilmi, Jamaal Caydiid iyo qaar kaloo ka danbeeyay waa ayaan darro” ayuu yidhi, waxa kale oo intaa ku daray maanta inaanu halkan kaga hadalo xaalada murugsan ee dalku ku jiro iyadoo ay lexejeclo naga hayso wadanka.

Waxaanu yidhi “lexejeclo ayaa naga hayso dalka, dhibaataanu u soo marnay, qadoodaanu u soo marnay qaawanaan baanu u soo marnay madaxweyne Daahir Rayaale waxaad ahayd kuwii aanu saamaxnay, ee saamaxaada aanu u fidinay1991-kii kuwii soo halgamay ayaanu xaquuq kaala dhignay, annagaa is dulminay”.

waxaa isaguna kulankan ka hadlay Muj: Cali Aar waxaana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Xadhiga masuuliyiinta ururka qaran waxaan uga hadlayaa maaha in ciddi xidhay wax ku qaadato ee macnuhu waxaa weeyaan dadku ma illaawayaan laakiin cida xidhay in arrintan wax yeesho ugama hadlayo waayo waxaanan cidaa ula hadlaynin cid kasta oo karaamo lihiba way la hadashay markaa hadal muraad kama laha waxay marayaan kol haddaan muftaaxii midigta ku haysto macnaha hadaad derajiyo xil qaado daruuraha hadduu ku geeyo ducaa la yaboohsadaa-dii riwaayada ku jirtay hadaan anigu lacagtiina haysto, ciidankiina haysto, taladiina maanta aan ku fadhiyo aniga cidnaba uma baahni ayay marayaan.

Run ahaantii waxaanu dhaleecaynaynaa sharciyada loo adeegsaday iyo qaabka lagu xidhay, masuuliyiinta ururka qaran Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Eng Maxamed Xaashi iyo Jamaal Caydiid waxaanu u aragnaa arrin afduub ah waliba iyaga oo qudha lama afduubin ee sharciyadii waddanka ayaa la afduubay, waar ummad marka madaxda laga xidho iyagu mushkilad uun-bay ka nasteen iyo buuqan laakiin marka ummad madaxda laga xidho ama laga laayo ummadda ayaa la xidhay ama ummadda la laayay waar cidda la laayay waa innaga, markaa maalinba ninbaa la xidhayaa waxa la yidhi cidda dulmiga samaysaa way is ogtahay, laakiin cidda lagu sameeyaa isma taqaan la yidhi, oo kuwa danbiilayaasha ahi way is yaqaanaan,
Dr Gaboose, Eng Maxamed Xaashi, Jamaal Caydiid, iyaga urur baad samaysateen baa lagu xidhay oo jeelka waxay ugu tageen boqollaal kale oo wax allaale iyo wax lagu xidhay aan garanayn aanay jirin” ayuu yidhi Muj Cali Aar waxaa kale oo uu intaa ku daray dadka qaar baa lagu xidhay waanu ka shakinay, wuu nasoo eegayaa oo cid u hadasha jirin, waxa kale oo aan idiin sheegayaa waar Daahir Rayaale Kaahin isagoo madax N.S.S-ta Berbera ah ayuu dadkan laayey oo waliba uu xasuuqay sida ku qoran buugaagtan Human Right- ku qoreen markaa isagoo dadkii uu laayay madaxweyne u noqday dee markaynu xadhig ka cabanayno inagaa qaldan.

Intaa ka dib waxaa isna halkaa hadal kooban ka yidhi Muj Cabdi Kaydsane Bulbul, waxaanu yidhi “SNM dalkan way u soo halgantay oo u soo dhimatay u soo dhaawacantay raggii dhibtaa u soo galay ayaa dawladu imika waxay dumarka iyo caruurta ka soo bilowdaa oo ka dhaadhicisaa iyagoo ku yidhaa nabad galyadii SNM-
Baa idinka xumaynaysa, Xaasha SNM nabadgalyada ma xumaynayso ee nabadgalyada cidda xumaynaysa ayaan idiin sheegayaa wax weeye daahir rayaale iyo golihiisa wasiirada qaar ka mida oo rag wanaagsani way ku jiraane oo aan la afkaar ahayne, markaa cay ma wada gayaan laakiin waxaa golihiisa waxa ku jira rag dadka xasuuqay kuwa danbana laynaya oo sii neceb aad u neceb raggii dalkan u soo halgamay oo in la tirtiro jecel” ayuu yidhi Muj Cabdi kaydsane.

waxaa kale oo isna halkaa ka hadlay Muj Xasan Aw Cali Axmed {Sandheere} waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “waxaan ka hadlayaa xaalada dalka ee cakiran waxa ay ummaddani ku heshiisay sharci distoor ah markaa waxaan u sheegayaa ummada reer Somaliland inaanay mujaahidiintu wixii halkaa ka dhacay dalka wax danbi ah ku lahayn distoorkii iyo shuruucdii wadanka waa la baa’biiyay waxaan aad ula yaabay waxa ka mid ah golaha wakiilada, tusaale ahaan waxay ansixiyeen 12 sharci sharcigii dhulka waar ma siyaasad buu ku xidhan yahay sharciga dhulku ma siyaasad buu ku xidhan yahay ee maalin walba laba qof isku dilayaan dawladduna way diiday inay ansixiso.

Waxaanu intaa ku daray inay dawladdu iyadu sharcigii burburinayso, wixii loo soo dagaalamayna burburinayso oo ay shuqul faqashkii bilowday, arrinta xadhigan masuuliyiinta ururka qaran waxaan u arkaa xaq darro dastuurkana qodobkiisu 14aad wuu cadeeyay oo shantii sanadood-ba dawladaha hoose golaha deegaanka waa in loo tartamo oo ururadu tartamaan, markaa ururka qaran waxaan u arkaa inay sharci yihiin xaq-darrana ku xidhan yihiin.

Khilaafkan golayaasha dawladda ayaa khaldan oo wada ku qabso ku qadi mayside haday tahay miisaaniyada dawladaa qaldan, haday tahay labada xubnood ee komishinka dawladda ayaa qaldan” ayuu yidhi Muj Xasan Sandheere waxaa iyaguna halkaa ka hadlay mujaahidiinta kala ah Bile Xasan Warsame iyo Cabdi Duraan Xasan
Dhammaan mujaahidiintii halkaa ka hadashay waxay canbaarayn u soo jeediyeen dawladda xadhiga sharci darrada ah ee ay ku xidhay masuuliyiinta qaran iyo muwaadiniinta kale ee sharci darrada ku xidhan iyo sharcii dalka ee lagu tumanayo.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Baroortu Orgiga Ka Weyn

Sida la ogyahay, waxa beryahan dambe dalka hadheeyey muran siyaasadeed oo shacabka ku riday wel-wel badan ha joogaan gudaha iyo dibadaba’e, waxaana muranadaa marmarsiyaha laga dhiganayo ee y ka dhiganayso maamulka Rayaale ee aan hoos ku sheegi doono ujeedada uu ka leeyahay, waxaana ka mid ah miisaaniyadii 2007-ta, labadii xubnood ee komishanka iyo tan taagan ee xadhiga madaxda ururka qaran.
Wadankani waxa uu leeyahay dastuur loogu talo-galay in lagu kala baxo, waxaana uu cadaynaya oo uu xalin karaa dhib kasta oo timaada ama lagu murmaba.

Haddaba, marka la eego fikradaha kala duwan ee bulshada ee leh ujeedada madaxweyne Rayaale, waa inuu doorashada soo socota ayna dhicin oo uu ku dhaafiyaa muran iyo jah-wareerka hadda taagan.

Aniguse, waxaan aaminsannahay inuu hoosta ku haysto mid taa ka duwan oo ah inuu toos ugu xidhan yahay Daahir dhagar-qabe C/laahi Yuusuf oo ay ku heshiiyeen in wadanka qas laga abuuro oo khalkhal dhaco, sida hadda soo muuqata beelo beelo iyo annaga oo reer hebel ah oo aan dhowr iyo toban sanno la maqal ay bilaabmato oo la kala shakiyo, oo aan ay saamayna ku yeelato beesha Awdal ee dhisida dalka qaybta weyn ka soo qaadatay oo iyada iyo beesha dhexe uu kala dhex dhigo colaadii la ilaaway. Gobolka Awdalna uu maro halkii uu maray gobolkii Sool, dabadeed ay noqoto natiijadu in jiho laga dhigto beesha dhexe oo ay marto dariiqa beesha gobolka Banaadir (Hawiye) oo loo soo adeegsado Amxaarada iyo wixii la mid ah.

Haddaba, waxaan shacabka uga digayaa fawdadaa soo socota in looga sii diyaar garoobo, lagana hortago in aanay dhicin, taas oo uu hadda maamulka Rayale, isla markaana dhinac looga soo wada jeedsado.
C/risaaq Sh. Cali Askar, Hargeysa, Somaliland

 


DALJIRE: “Al-Khawaajaat?... Qatalnaahum Amis”

Qore: A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbee: Waar u kaadiya. Waar bal is dhegeysata. Waar nimanku qaylo badanaa? Waar anigu mid baan idiinn sheegayaa. Geelaa loogu heesi jiray. “Derbi cagaweyn darka loo dhigay deysan meysee wayska dumisaa.” Waar ninkan Ina Rayaale isagaa iska duminaya darka ee idinku iska daaya. Daartii yarayd ee Qaahira ayaa ku fillaatay iyo dhawr xisaabood oo buuxsamay oo cod iyo taageero midna uma baahna. Markaa waxaan idin leeyahay ninkaasi yuu reer Awdal idin kala dilin ee isaga ku ekaada. Marka horena idinkaa doortay ee reer Awdal idinkumay khasbin. Maantana eega bal inay ku yidhaahdaan waad qaldantay ee dadkii ku doortay xumaanta ka daa iyo inkale. Laakiin aflagaaddo iyo ceeb kale yay reer Awdal u tegin. Ogaadana oo wax dheeraadana kuma qabaan ee dhibta uu dadka ku hayo mid ka xun buu ku hayaa. Ina Rayaale ka hor reer Awdal waa lays ahaa dabdiina waa lays ahaan doonaa.
Guud ahaanna waxaan leeyahay waar xisbiyadii aynu ku soo noqono oo beelahan uu Ina Rayaale inagu celiyay xaggooda haynoo kaxayninana.UDUBta ayaa marna qabyaaladda jeclaysata marna ay la qadhaadhaataa.
Doolaal: Waar iminka saddexdan nin ee la xidhay ee sharcigii dalka ka soo hor jeestay ma dadkay ka weyn yihiin? Ninna sharciga kama sarreeyo adeer. Maxaase samayn kartaan?
Dubbe: Horta hadalku wuxuu ku dhan yahay maxaad samayn kartaan? Cawil baaba hore u sheegay oo yidhi “Suldaan Cismaan baanu xidhnay oo cidi ka daba iman weyday oo afartii la socday dhuunteen. Kuwanna markaanu sharciga la tiigsanno cidi ka daba imanmayso.” Dee odayga waa runtiiye ma cidbaa ka daba tegeysa. Xaasha. “ku kaajaan nin u aqaan.” Buu yidhi ninkii jiray. Niinwaliba sidii Dhallin Ileeye ayuu odhan doonaa “Alla uma naxariistaanka annagaabay nagu dari.”

Doolaal: Haaye ma dadkay ka weyn yihiin.?
Dubbe: Horta mushkiladda meesha taalla waxa weeye laaska iyo dubbaha ayaa idin lumiyay. Haddaydaan maanta garanayn qiimo Allah qiime ay leeyihiin nimankaasi maxaan idin odhanba. Waxa la yidhi berigii Sucuudiga laga badhaayay saliidda ayaa laba nin oo Maraykan ah oo khubaradii saliidda baadhaysay ahi saxraagii ku dhaxeen habeen intuu gabbalku ugu dhacay meelihii ay sahmainayeen. Subaxii baa ciidan laga daba diray. Ciidankii baa ku soo baxay laba nin oo reer miyi ah oo Sucuudiyiin ah. waxay weydiiyeen inay arkeen labadaa nin ee maqnaa. Waxay ku jawaabeen. “Alkhawaajaat al ethneyn?” (ma labdii gaal) Nacam.(Haa) Baa la yidhi. “Qatalnaahum amis. Alla yalcan alkufaar.” (Shalay baanu laynay kufaarta Alla ha nacdalee) Bay yidhaahdeen intay iska dhaqaaqeen.
Iminka raggan aydin iska xidhatteen ee si aan shaci ahayn u xidhateen wax ay qiimo idinla leeyihiin ma jirto. Wixii ay keeneen ee ay u soo halgameenna waydinkaa ka dhiishaa dhaansaday. Sidii labaa badaw ee Sucuudiga ahi ay uga dhergeen saliiddii ay soo saareen raggii ay laayeen. Dhiilkii nabsigaa idinka buuxsamay baan u malaynayaa.
Doolaal: Marka laydin qabtaa baa tidhaahdaan Jabhad iyo kaadi iyo wax. Waar adkaysta. Sharciga iyo nabadgelyada annagaa ka masuul ah. waa nala doortay. Doorashadii baa ku guulaysan weydeen. Hanashada hoggaanka ayaa ku guul darraysateen. Markaasaa ku jiq sii samaynaysaan oo xeerka jebeinaysaan.
Dubbe: Waar haddaydaan xumaan doonayn doonayn maaalin walba ma nin mujaahida ama muwaadina baa xaq darro jeel ku geyn lahaydeen. Nimankan haddaa markii hore u furi weydeen daaqad ay arjigooda ka dhiibtaan oo aydin ka door biddeen inaad dacwad ku soo oogtaan ma waxa garan weydeen markay maxkamadda yimaadeen damaanad ka qaada oo guryahiinii ku noqda dhaha. Inta kiiskaasi socdo ee maxkamadi inna kala saaraysana dhaqdhaqaaqa iyo abaabul siyaasadeed joojiya. Maalmaha dacwaddu socotana kaalaya maxkamdda. Taas oo aydaan xataa xaq u lahayn baa dhaami lahayd jeelka Mandheera geeya. Saw waxaad u jeeddaan maaha karaamada ka qaada? Maxaa iminka kordhisateen?
Doolaal: Maxaa damaanadba keenay? Hawadaa laga qarinayaa ninkii is waala. Angu mujaahid iyo jabhad waxaa ma naqaan. Sharciga qofkii jebiyaa wixii gaadha isagaa isu keenay.
Dubbe: Oo mujaahid iyo nin soo halgamay toona ma taqaaniin danna kama lihidin? Ma idinkii baa sidaa u hadlaya? Kkkk kkk kkk.
Doolaal: Anagu ninkii sharciga jebiya dan kama lihin. Jabhadda waa la wada ahaaye ma. Ma cid baa gaar u ahayd? Maxaadse ku qoslaysaa?
Dubbe: Waxaan ku qoslayaa sheeko beri nin iiga sheekeeyay iyo sidan Somaliland tahay iminka ayaa isu ekaaday. Wuxuu yidhi. “Nin asalkiisu Somaliland ka soo jeedo oo reer Kenya ah ayaa gabadh yar oo quruxbadan oo isagana aad uga yar guursaday. Aad buu ujeclaaday. Carruur aanay dumarkii hore ee uu qabi jiray u dhalin baa Ilaahay ka siiyay tan yar. Wuu sii jeclaaday. Meel tuula ah ayuu ula guuray. Maqaaxi iyo tukaan buu ka furtay. Shaw tuuladan baas nin saajin ah oo ba’an baa xukuma. Odaygii war aanu jeclaysan oo saajinkii iyo gabadhii ku saabsan baa dhegahiisa ka batay. Dhegahuu ka furaystay. Warkii baa kala go’i waayay. Waabuu ka sii daray. Talo ayaa ku caddaatay. Wuxuu arrin ku goostay inaanu gabadhaa furin wax kasta oo loo sheego.
Maalintii dambe ayuu daf gurigiisii soo yidhi mise saajinkii ayuu fal dembiyeedkii lagu sheegi jiray ku qabtay isagoo gacanta kula jira. Saajinkii oo argagaxsan baa boodi kari waayay oo halkii ku qallallay. Ninkii saajinkii lamuu hadale gabadhii buu hadal dagaala ku yidhi. “Naa saajinka cayaarta ka daa wax xun Allah ku badye. Saajinka ayuumbay ku ciyaarta oo la faro-ka-ciyaartaa. Miyaanay wax isku falayn oo aanay xishoonayn? Naa saajinka ka hoos bax oo banaankaa qun yar iska joog”
Ninkaasi wixii laga dagaalami jiray ee laga dhiidhiyi jiray ayuu indhahiisa ku arkay isagoo xaaskiisii lagula kacay. Hase yeeshee wuxuu gacmahiisa u laabtay oo sharaftiisii u difaaci waayay gabadhaa uu jeclaa ee carrurta badan Ilaahay ka siiyay iyo qoyskaasi inaanay ka burburin. Saajinkii wuu iska egey isagoo nuskii dhintay. Ninkiina reerkiisii wuu iska asturtay oo iska dhaqday. Iminka,aniga hadduu doonayo xaal hay qabto sheeko xumida eh, waxaan leeyahay dalkan iyo dadkiisa ayaanu danaynaa weligiinba na xidhxidha. Somalilandey Nabadsugidda ciyaarta ka daaya ayuumbaanu leenahay oo xukuumadan wadda xadhigga xaqdarrada ah, musuqmaasuqa, khilaafka golayaasha, boobka hantida qaranka iyo cayda iyo aflagaaddada inagaa ka gar daran ee iyadu waxba may samayn.
Doolaal: Waar kuwii cimaamadda xun ka bixin jirayna miyay maanta kaga baxeen? Waar ninkan aan xishoonayn xaal ka soo bixiya dee.
Waa inoo toddobaadka dambe. Haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

 


Ma Jiri Doono Magac Naafo Oo Gidaar Lagu Dhejiyo Si Looga Ganacsado

Haddaba hay’adaha iyo ururada aadka u tirada badan ee ka ganacsada naafada ayaa musuq maasuuun waday tan iyo wakhtigii Somaliland la aasasay, taasoon cid kahadashay aanay jirin hadday saxaafada tahay iyo hadday xukuumadda tahayba, anigoo ah nin naafo ah kana mid ah naafada Somaliland ayaa waxa aan leeyahay naafgadii waxa haysata dhibaatooyin aad iyo aad u farabadan, kuwaas oo ay ku samaynayaan hay’adaha naafada ka ganacsada, dhibaatadaas oo ah in aanay halkii loogu talagalay marin deqaha loogu soo dhiibo naafada ee iyaga lagu soo hagaajiyo.

Deeqahaas haba yaraatee xukuumaddu wax cashuur ah kama qaado xamaa yeelay waa deeq loogu talagalay dad naafa ah, deeqdaa waxay geeyaan suuqa madaw, islamarkaana waxay u xaraashaan si hawl yari ah ilayn muruq iyo maskax midna umuu galine, haddaan tusaale u soo qaato ururka DAN layidhaahdo qalabkii naafada lagu soo cawinayay ayay ka ganacsadaan oo bakhaaro ay hargeysa uga furteen oo tusale ahaan xabadda baaskiilad curyaanta ah waxay siinayaan $150 qoriga kilinkilada lagashado waxay isagana dhaafsadaan lacag dhan $40 xataa ugu yaraan boolka yare e baaskiiladda lagu xidho waxay siiyaan $2.

Waxaan halkan ku caddayn karaa in ay sameeyaan waxyaabo waxaa ka sii daran oo aan halkan ku wada tilmami Karin ama aanan qoraal ku soo koobi Karin taas oo ay ka dambeeyaan hay’adaha CCBRS, HAN, ORC, SHA, NAAHA, BISHA CAS iyo waliba qaar kale oo badan oo waddanka ka hawl gala hadda iyadoo ay madax ka tahay hay’adda (HI) waliba waxa ka sii daran wax yaabaha HI ay faafiso sida arimahan hoos ku qoran.
1. in aanay naafadu u shaqayn hay’ad naafo u shaqaysa
2. in qalabka naafada lagu soo caawiyana laga ganacsado
3. inaanay naafadu aqoon caalamiya helin sida deq dugsi sare ama jaamacad
4. in aan naafada meel laysugu gayn si aanay arrimahan oo kale uga soo horjeedsan

Haddaba waxayaabahan dadkan masaakinta ah lagu samaynayo iyo waxyaabaha indhaha dadka la tuso kala fogaa “ ninka dhuumanaayee dhabarku muuqdoow joog, joog waar hooy joog.

Haddaba waxaanu leenahay haddaanu naafada nahay inaanu jiei doonin cid magacaaga ku shaqaysata haday urru tahay iyo hadday hay’ad tahay, Handicap-na waxaanu leenahay inay si degdeg nooga laabato oo ay magacayaga noo noo tirtirto ay shicaaraad ka dhigatay, majiri doono magic dambe oo naafo leedahay oo gidaarlagu soo dhajiyo oo jeedooyin kel laga leyahay, haddaba iyaga waxay latahay oo haddalka naafadu leeyahay.

Waxaan ahay nin laga gawracdoo gees riyaad jabine
Gurma go’anta laantaba mar bay guduntu dhaaftaaye.
Wadkeedaan galine kumaay hadheen geedka kaligeed,e.
Waxaan ahay nin gobolkii dhintay oo geesi nooshahaye
Geeridu xaq weeyee haddaan iilka laygeynin.
Ama lay gambiy9in haddaan aarahay gudan.
Godobtayda maqan inaan ka hadho waa hal soo gudhaye.
Gari allay taqaan goobay joogtaba’e
Haddaba haddaanu nahay naafada waxaanu u sheegaynaa ururada iyo hay’adaha inay iska wareejiyaan hawshayada oo ay ku wareejiyaan dawladda waayo waxay ku fashilmen wax u qabadkii naafada, cidii diidana sharcigaanu horgaynaynaa, sharcigana cidna lala baryi mayo inuu aqbalo ee sankaa laga galinayaa qofka u hogaansami waaya.
Ninka yidhi anaa goolka dhalin waylay dhalanteede.
Dhiiraanoow libaax iyo shabeel soo dhabacanaaya.
Ninka yidhi faruurtaan ku dhagi waylay dhalanteede.
Ninka dhagax dixeed iyo casaan dhan iska soo taaga.
Ee yidhi dhirbaaxaan ku jabin waylay dhalanteede.
Xusseen Maxamuud Jirde


 


“SSE Fadeexad Iyo Dhaawac Ku Yimid Dimuqraadiyada Curdinka Ah Ee Somaliland Ayay U Aragtaa Xadhigga Siyaasiyiinta”
Warsaxaafadeed – Ururka Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland Ee Yurub (SSE)

London, UK, August 3, 2007 (Haatuf) – Ururka Xidhiidhka Jaaliyaddaha Somaliland ee Yurub (SSE), iyagoo ogsoon horumarka dhinaca dimuqraadiyada ee ay Jamhuuriyada Somaliland tan iyo intii ay ka hirgaleen dalka hannaanka xisbiyada badan, ayaa haddana waxa uu walaac badan ku haya xadgudubyada xuquuqda xorriyada muwaadiniinta ee soo noqnoqonaysa, kuwaasi oo iyaga oo aan maxkamad distoori ahi danbi ku ridin si xaq darro ah looga xayuubiyo xorriyadooda. Xadhigan xadgudubka ah ee u dambeeyay waxa lagula kacay Guddoomiyaha ururka Qaran Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo labada Guddoomiye Xigeen Enj. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Cayiid oo dhammaantood xabsiga Mandheera loo taxaabay 28kii Julay 2007.

Haddaba wakhtigan aynu ku jirno oo dalku isku diyaarinayo doorashooyinka degaanka iyo madaxtooyada waxa fajiciso iyo amakaag nagu noqotay xadhiga xabsiga loogu taxaabo hoggaankii sare ee ururka Qaran, oo runtii noola muuqata tallaabo lagu degdegay oo lagu xalin kari lahaa siyaabo kale, iyadoon xorriyadooda laga xayuubin muwaadiniintan.
Inkastoo doorashadii hore tartanka madaxtooyada lagu soo koobay saddex xisbi ayaa haddana waxa iyaduna aan si cad u qeexnayn ama aan la isku raacsanayn in saddexda xisbi ay weligood ahaanayaan kuwa keliya ee iyagu ku loolamaya saaxadda siyaasada ee Somaliland. Waxa isweydiin mudan sida dad badani ay ku andacoonayaan in talaabooyinka ay ku talaabsadeen siyaasiyiintan xisbiga Qaran aanay aheyn wax ka hor imanaya xeerarka iyo distoorka waddanka u dejisan balse ay yihiin qaar dhiiri gelinaya tartan xalaal ah oo loo simanyahay inay ku tartamaan axsaabta Somaliland.

Urur ahaan waxaanu si aada u canbaareynaa xadhiga siyaasiyiintan lagu kacay oo aan loo soo marin sifo aan sharci aheyn, taasi oo aanu u aragno inay khalkhal gelin karto doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo nabadgelyada dalka, maadaama loo diiday in ay dabaqaan xuquuqdooda distooriga ah ee uu dhigayo qodobka 23-aad ee distoorka qaranku, kaasi oo xaq u siinaya muwaadiniintu in ay isku abaabuli karaan ururo siyaasi ah. SSE ahaan in siyaasiyiinta Somaliland ay u hawlgalaan ama u dhaqdhaqaaqaan baahinta fikirkooda wax diidayaa nooma muuqdaan sidaa daraadeed waxaanu u aragnaa xadhigan mid lagu degdegay oo aan wax maslaxad ah soo kordhineyn. Waxaanu sidoo kale u aragnaa xadhigan mid la sifo ah kii lagula kacay muwaadiniin kale oo reer Somaliland oo aan helin fursad maxkamadeed oo ay isku difaacaan oo isla markiiba loo dhaadhiciyay jeelka ama xabsiga Mandheera. SSE xadhigan wuxuu ula muuqdaa mid lagu cajis gelinayo fikirka iyo dhaqdhaqaaqa xoriyadeed ee Siyaasiyiinta reer Somaliland.

SSE iyadoo fahansan cawaaqibka iyo cidhib xumada arrinkani ku yeelan karo mustaqbalka dimuqraadiyadeena curdinka ah ayaa waxa aanu ku talinaynaa:

- In Siyaasiyiinta loo dhaadhiciyay xabsiga Mandheera si dhakhso ah loo sii daayo oo loo soo celiyo xorriyadooda qaaliga ah isla markaana haddii ay jiraan wax dembiyo ah oo laga tabanayo loo maro dariiqa xalaasha ah oo la siiyo fursado ay isku difaacaan kuna diyaar garoobaan.
- In xukuumada Somaliland ay ka fiirsato in xoog iyo cabudhin lagula kaco muwaadiniinta reer Somaliland oo la ilaaliyo karaamada iyo xushmada qofka maadaama aanay jirin wax dembi ah oo lagu soo oogay.
- In xukuumadu ka waantowdo xadhiga iyo cabudhinta soo noqnoqonaya ee ay ku hayso shacbiga, taasi oo dhaawac badan soo gaadhsiisay sumcadii Dalka Somaliland.
- In la dhiiri geliyo furfurnaanta iyo fikradaha waxtarka u ah dimuqraadiyadeena hadda soo hana qaadeysa.
- In golayaasha xukuumadu, gaar ahaana guddiyada sida gaarka ah u qaabilsan inay u hawlgalaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen khilaafka la xidhiidha doorashoo- yinka soo socda, qaabka ay xisbiyadu ugu tartamayaan, diiwaangelintooda iyo weliba wakhtiyeyntooda.
- Anagoo og culeyska mas'uuliyadu leedahay ayaa waxa aanu ka rajaynaynaa Madaxweynaha iyo golayaasha xukuumadda inay intii karaankooda ah u hawl galaan in doorashooyinku ay ku dhacaan wakhtigooda.
- Ugu danbeyntii waxaanu u soo jeedinayaa shacbiga reer Somaliland in ay ilaashadaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalkooda ka jirta oo ah ta keliya ee ay maanta Somaliland dunnida ka iibiso.
Ilaahay ayaynu ka baryaynaa inuu ina garansiiyo dariiqa toosan ee inagu hagaya caddaalada iyo dowladnimo hufan oo furfuran (Aamiin).
Allaa Mahad leh
SSE (Guddiga fulinta)


Aqoonyahanka, Waxgarad-Ka Iyo Qurbo Jooga Beesha Arab Oo Cambaareeyey Xadhigga Masuuliyiinta Qaran

Aqoonyahanka, waxgarad-ka iyo Qurbo jooga Beesha Arab ee ku kala nool Dibadda iyo Gudaha Dalka waxa ay ugu baaqayaan xukuumadda Madaxweyne Rayaale in ay sida ugu dhakhsaha badan ugu soo celiso Xoriyadoodii mujaahidiinta hoggaanka ururka Qaran kuwaas oo sifo sharci daro ah ku xidhan oo ka soo horjeeda Xuquuqda Muwaadinka, kuwaas oo kala ah

1-Dr Maxamed Cabdi Gaboose
2-Eng Mohamed Hashi Cilmi
3-Muj Jamaal Caydiid Ibrahim

Markii aannu aragnay muranka sharci ee wadanka ka oogan ee uu sababay Dastuurka dalku, iyo dhaqdhaqaaqii ururka Qaran sameeye waxa noo muuqatay in ay xukumaddu si sharci darro ah ugu dagdagtay xadhiga hoggaanka ururka Qaran.

Haddaba waxaanu si dagdaga uga codsanayanaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale in ay xoriyadoodii u soo celiso Hogaanka Urur siyaasadeed-ka Qaran sidaa awgeed waxaan u soo jeedineynaa in si deg-deg ah oo wax shuruuda ku xidhneyn xorriyadoodii dib ugu soo celiso masuuliyiinta sare ee ururka Qaran.

Xubanaha ku saxeexan
1-Abdillahi Jibriil Gaxnuug (Buraale)
2- Eng Maxamed Ali (UK)
3-Dr Maxamed Nuur Dirir (Norway)
4- Maxamed Younis Awale (UK)
5-Sheikh Maxamed Amiin Sheikh Bashiir (UK)
6-Eng abdiaziz Ahmed Mousa (Hargeisa)
7-Yousuf Hersi Madadaal (Hargeisa)
8-Ahmed Musa abdi (Sweden)
9-Rashiida Ali Xamari (Norway)
10-Dr ali abdi
 


Jaaliyadda Somaliland ee Minnesota Oo Soo Saaray Baaq Ay Kaga Hadlayaan Xadhigga Siyaasiyinta Qaran Iyo Doorashooyinka

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland
Ku: Gudoomiyayaasha Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada
Ku: Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Qaranka
Ku: Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka
Og: Dhamaan Dadka Reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan
Ujeedo: Bayaan ay soo saareen Jaaliyada Reer Somaliland ee Minnesota

Shir balaadhan oo ay Gudiga fulinta ee Jaaliyad reer Somaliland ee Minnesota ay isagu yimaadeen shalay oo taariikhdu ahayd July 31, 2007 ayaa waxay si muwaadinimo ah u falanqeeyey xaaladan adag ee ka taagan dalkeenii hooyo. Gaar ahaana waxay aad uga hadleen xaaladan cusub ee hadda ku soo korodhay dalka. Iyadoo xubnaha guddigu si taxadir leh u eegeen arrimaha xadhiga muwaadiniinta lagu xidhay maalmihii la soo dhaafay, waxaa kale oo ay ka hadleen arrimaha keenay xadhiga, qabsoomista doorashooyinka iyo wada shaqayn la'aanta ka jirta haya'adihii dawliga ahaa taaso muwaadiinta Reer Somaliland ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo gudahiisaba ku dhalisay walwal iyo walaac.

Wax uu gudigu go'aansaday gabagabdii shirka qodobadan hoos ku qoran:
1- In muwadiniinta xidhxidhan Dr Gaboose, Mohamed Haashi Jamaal Caydiid , xoriyadoodii si degdeg ah loogu soo celiyo shuruud la'aan sida ugu dhaksaha badan.
2- Inay haboontan tahay in arrinta la isku haysto lagu dhameeyo Maxkamad dastuuri ah, Xusbi/Urrur ma la furan karaa? Goorma ayaa la furan karaa?
3- In ay Muqadas tahay in doorashada wakhtigeeda la qabto, si aan u dhameystirno dimuqraadiyada aan qaadanay, dibna aan waqtigeedii looga dhigi karin.
4- In la dhawro Distoorka waddanka u yaala, mawaadiniintuna u siman yihiin, qofna aanu sharciga ka sarayn.
5- In Golayaasha la soo doortay, (Guurtida) iyo dawaladuba wada shaqeyaan, una adeegaan bulshadii soo igmatay.
6- In qof kasta oo muwaadin ah oo si xaq dara ah u xidhan si degdeg ah Maxkamad loo hor keeno
Guddiga waxa uu is hogo tusaaleeyay inay maanta loo baahan yihiin in loo tafa xayto loona midobo sidii nabada loo sugi lahaa iyo sidii la iskaga difaaci lahaa cadowaga dibada.
Allaa Mahadleh

Top