Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1487 Aug.6, 2007

Fanaanka Caanka Ah Ee Cabdi Haybe Laambad Iyo Socdaalkiisii Finland

Dhimashada Geed-Weynta Xeebaha Duleedka Berbera Waa Mushkilad U Baahan In Jawaab Loo Helo

Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegay War Ka Soo Yeedhay Cali Mahdi

Wasiiro Ka Qayb-Galay Xaflad Loo Qabtay Arday Ka Qalin-Jebisay Jaamacadda Camuud

Maxaabiista Urur Siyaasadeedka Qaran Oo Eheliyadoodii Loo Diiday Inay Ku Booqdaan Xabsiga Mandheera

“Waxa Muuqata Goleyaal, Asxaab, Iyo Qaybsanaan Dadweyne, Jawigii Ay Doorashooyinku Ku Qabsoomi Lahaayeena Waa Inaynu Qorshe Hawl-Gala Ka Sii Yeelano”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida – Saleebaan Maxamuud Aadan

ILHAAN

Somaliland Xagay Ku Socotaa?

Magaca Somaliland Yaan Sida La Doono Loo Isticmaalin

Maayerku Waxa Uu Igula Kacay Cadaalad Darro Hor Leh
Awood Baan Waddada Ku Jarayaa, Ayuu Igu Yidhi
Khadar Koosaar Muxumed


Fanaanka Caanka Ah Ee Cabdi Haybe Laambad Iyo Socdaalkiisii Finland

Addis Ababa, August 6, 2007 (Haatuf) – Fanaanka caanka ah ee Cabdi Haybe Laambad oo wiigii hore u socdaalay dalka Finland oo aanu kula kulanay madaarka Addis Ababa ayaanu ka waraysanay socdaalkiisa iyo taariikhdiisa fankaba, su’aalihii iyo jawaabihii waraysiguna wuxuu u dhacay sidan.

S: Cabdi waxaad si kooban warbixin nooga siisaa ujeedada socdaalkaagan aad ku tagayso Finland?
J: Waxaan ka qayb galayaa oo la igu marti qaaday tartanka ciyaaraha fudud ee olympiga ee ka furmaya dalka finland oo ay ka soo qayb galayaan 25dal oo aduunka ka mid ah , in aan ka qayb qaato xaflada furitaanka gaar ahaan qaybta hidaha iyo dhaqanka taas oo ay ka soo shaqeeyeen iskuna hawleen oo suurto galiyeen shakhsiyaad Somali ah oo ka tirsan gudida olympikada ee dalka finland gudidaas oo aan aad ugu mahad celinayo iyga iyo maayarka hargeysa oo iga caawiyay xaga tigidhka adis ababa ilaa finland oo nasiib wanaag aan kula kulmay isaga iyo wefdi uu hogaaminayo magaalada adis ababa waxaa kale oo aan aad ugu farax sanahay in aan magaalada adis ababa kula kulmo weriye ka tirsan wargeyska haatuf oo iga wareysta ujeedada safarkygan finland, safarkeygan oo ay igu weheliyaan saddex nin oo saaxiibadey ah oo u dhashay dalka somaliya iyo anigoo u dhashay Somaliland waxaan ilaahay ka baryayaa in uu mid kheyr qaba nooga dhigo.

S: Cabdi haybe goorma ayaad dhalatay , goormaadse fanka gashay?
J: Hadaan kaaga waramo anigu waxaan dhashay sanadku markuu ahaa 1962 ,fankana waxaaan bilaabay anigoo yar , aan yaraadee waxaan ka mid ahaa ardeydii dugsiyada ama wixii la odhan jiray ubixii kacaanka 1972kii ayaa nala qoray wixii ka danbeeyayna dugsiga dhexe anigoo dhigta ayaan riwaayadeydii u horysay dhignay riwaayadaa oo uu sameeyay nin maamule noo ahaa oo la odhan jiray cali shimbir magacedu wuxuu ahaa INTA LA IGU GAFAAYO GUURKU HA II DARNAADO waxaanay ahayd 1977kii anagoo yaryar , laakiin fanka rasmi ahaan waxaan masrax isu taagay riwaayad aan actor labaad ka ahaa oo bilaw ahayd 1979kii anagoo arday ah oo secondary camuud ku jirna waxaana riwaayada lahaa cawil gaydh jaamac waxaana magaceeda la odhan jiray DEYRI GEEDO MA SAARTEE GUBAA DOOXA BIYEEYA waxaanan ka ahaa actor labaad waxaana actorad labaad ka ahayd oo iyadu markaa baroo ahayd sahra cali xasan oo aanu wada ahayn kooxdii danan.

S: Cabdi haybe imisa heesood ayaad qaaday tee baadse ugu jeceshahay ?
J: Heesahayga dee masoo koobi karo runtaa wanaagsane laakiin anigu heesaha dadku jecel yihiin unbaan jeclahay

S: Waa kuwee?
J: (intuu qoslay) buu yidhi qaarba wax bay ku saabsan yihiine laakiin marka jacayl ahaan la yidhaahdo waa ADNA HODONEEY HABI NOQO OO heesta la yidhaahdo.

S: Oo heestaa ma cid aad jeceshahay baad u tirisay?
J: Dabcan koleey waa waayo I soo maray uun dhinaca heesahayga falsafadaha ka sheekeynaya , waaqiciga kuwa ka sheekaynaya sida ADHIGII XARAASHOO AYAAN U JECELAHAY waa wax wkhtiga oo run ah ka sheekeynaya oo la taaban karo.

S: Cabdi hada ilaa 1977kii ma waxaad ku jirtaa mihnada fanka oo aanad dhana uga bixin?
J: Haa oo sidii ayaan ugu jiraa oo waa yaraan ilaa weynaan.

S: Waxaad ahayd wiil yar oo arday ah reerkiinu siday u arkeen markaad fanka ku biirtay?
J: Markiiba way ii diideen oo si adag bay iigu diideen oo arday baan ahaa waanan baxsaday oo riwaayadii u horaysay bari baan ku soo dhignay waanan xad xadayay oo tuugo ayaan riwaayadii hore kula soo dhigay fanaaniinta.

S: Cabdoow imika ma jiraan wax heeso ah oo cusub oo kuu diyaar ah oo aad dhowaan qaadaysaa?
J: Haa way buuxaan oo waxaa ka mid ah heeso falsafada ah oo ay ka mid yihiin
Qof kabo ku siiya
Kafantaada ruux tola
Nin kasta kashkiisay
Kohashadu ku tidhi yeel
Adigoon kadeed babin
Ama aan karkabadayn
Kii kuu darnaada
Kol hadaanu weerankii
Aakhiro diran u diran
Bal muxuu ku falayaa
Kayd iyo cawo aduun
Naf kastaa kalaaliga koow inay ahaato
Kolkaa fushay jeceshahay
Misa waxaa karaan culus
Kolba ruux ku digataba
Kol hadaanu aadmigu
Kaaftoomin waligii
Kibir aan beri ogayn
Bal muxuu ku falayaa

S: Cabdoow bal waxaad noo sheegtaa waxaad odhan lahayd dadkan danbe ee heesaha dadku leeyihiin soo qaada?
J: Horta wax waa yaab waxna waa yaabka yaabkii, wax waa yaaboo nin hees aanu lahayn masrax isla taagay ama meel ku dubay ama yidhi I dhageysta , waxna waa yaabka yaabkii oo ka dhagaysanayaa waa yaabka yaabkii , kaa waalan ee hees aanu lahayn qaadaya waxaa ka sii waalan ka u raxleynaya . nimankan heesaha aanay lahayn soo qaadaya waxaan ku odhan lahaa fanku maaha xantoobsi iyo mxabaal kowsarad taala, xirfad loogu shaqeeyiyo xurmuu leeyahay weyn, xayawaanada sheegtay sida nayl xine laacay, is xabeebinayaa xuurtu baylah ha moodo, xaydha weyntiyo jiirkiyo, ha iska sii cuno xoorku. Xuurtu baylah ha moodo, xisaabtiisu weeye

S: Cabdoow ka adiga hesahaaga soo qaaday e aanu maqalay cajaladihiisa maxaad odhan lahayd, miyaadse dacweyn lahayd?
J: Anigu dil baaban ku xukumi lahaa hadaan karayo waayo bina aadam ba maaha qof caadiyana maaha, in sharci laga soo saarana way tahay laakiin kolay ania hortayda haduu iga hor yimaado kii waxayga qaaday kolay waxaan ku samaynayo hada kuu sheegi kari mayo laakiin ma daynayo, waayo waa nin waxaygii ii ogolaan wayay oo xaasida, waa nin itaal daran oon isagu waxba samaysan Karin oo anagiina aan wax na waydiisan, cidna wax weydiisanayn, cidna ka maqlayn oo ku tuntay fankii iyo dhaqankii, waxani waa taariikh tariikhdana lama xado oo wax walbaaba taariikh bay leeyihiin oo hebel sidaasay taariikhdu ahayd baa la yidhaa oo heesani qaaday oo taa hebel baa lahaayoo hebelbaa u dhiibayoo, shimbir waliba codkeeday cidaa.

S: Mala odhan karaa cabdoow waxan waxa sababay burburka Somalida?
J: Horta fanka Buusha bixiisu burburkuu la socday.

S: Cabdoow heesahan aad qaado ma adaa sameeyay mise qaarbay cid kale samaysay oo laguu dhiibay?
J: Aniguun baa samaysta oo qaada gebi goodaba oo waa dareen waxay ku yimaadaan

S: Cabdoow mihnadaada fanaanimo maxaa kuu dheer?
J: Waxa ii dherayd kubadda nooca la yidhaa kubadda laliska ( Volley Ball) iyo kubadda Hand-boll-ka oo aan muddo badan u ciyaari jiray gobolkii waqooyi galbeed la odhan jiray
 

Top


Dhimashada Geed-Weynta Xeebaha Duleedka Berbera Waa Mushkilad U Baahan In Jawaab Loo Helo

Berbera, August 6, 2007 (Haatuf) – Iyadoo dhamaanba bulshada aduunku dedaal ugu jirto sidii ay qolo kastaaba deegaanka ay u dhaqan yihiin uga dhigi lahaayeen mid cagaaran oo hodan ku ah dhirta noocyadeeda kala duwan, ayaa waxa nasiib daro ah in aanay cidiba xaalayn Dhimashada dhirta geed weynta ah ee xeebaha duleedka Berbera ee waqtiba waqtiga ka danbeeya sii kordhaysa ku sinaan sanadihii sagaashanaadkii, dhimashda dhirta xeebta Berbera oo hada maraysa marxalad ay dareemi karaan dhaayaha qofkasta oo gaadhi ku maraya wadada laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Hargeysa Berbera marka uu soo gaadho xeebta Berbera ama sidoo kale dadka ka soo gelaya dhinaca Burco markay soo gaadhaan inta udhaxaysa tuulada Barwaaqo ee duleedka wershada sibidhka, ilaa oo ay ka gaadhayaan xeryo guulka xoolaha ee dacalka koonfureed ee magaalada Berbera, waxay indhihii faya qabaa arkayaan sida ay u lee,atay dhirtii qiimaha badnayd ee ilaahay dhulkaas ka saaray, waa arin ubaahan iswaydiin maxaa ku dhacay dhirtan ma abaar roob la,aaneed baa mise alhuumo kalaa heshay waa wax jira in aan sida badan roobabku kadi,in dhulka xeebaha ah, hase yeeshee dhimashadan dhirta ee jirtaa maaha mid ay keentay roob yaraanta xeebtu waayo weligeed may dhicin sidan oo kale abaar kasta oo ka dhacday xeebaha gobolka Saaxil.

Dhimashadan dhirta oo ah mid inta badan dhinaca isku qabatay gebi ahaanba deegaanka xeebta Berbera bari ilaa galbeed ayaa ah mid werwer leh oo sababi karta inuu mudo aan fogayn saxaare isu rogo dhulxeebeedka ku dhereran dhamaanka jiidaha deegaankaasi Berbera iyo nawaaxigeeda, lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysa mushkiladan dhirta dabargoynaysa, hase yeeshee waxa inta badan bulshada degaankaas ku dhaqani tuhun san yihiin inay arinta dhimashada dhirtu tahay dhibaato ka dhalatay agabkii gantaalaha cirkkka iyo badda ee uu duleedada magaalada Berbera ku aasay midowgii sofiyati kaas oo saldhigyo ciidan ka aasaasay waqtigii uu socday loolankii lamagacbaxay dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey Warsow iyo Nato, agabkaas oo si taxadar daro ah loogu qubay deegaankaasi gaar ahaan saliidihii kala duwanaa ee gantaalaha SAM2 iyo SAM3, oo ay daadiyeen dad aan aqoon ulahayni iyadoo ay doonayaan inay qaataan weelka ay ku jireen shidaaladaas gantaalaha si ay biyaha ama shidaalka gawaadhida ugu shubtaan, sidaa waxa bulshada la qaba qaar kamid ah madaxda wasaarada horumarinta deegaanka iyo miyiga ee dawladda Somaliland isagoo arintan ka hadlaya isuduwaha wasaaradaaas ee gobolka saaxilna waxa uu yidhi “dhimashadan dhirta waxa markii u horeysay lagu arkay meelahii ay ahaan jireen xeryihii ciidamadu markaa waxaanu tuhunsanahay inay waxyeeladani ka dhalatay waxyaabihii xeryahaasi gantaalaha yaalay ee dadku qubeen sanadihii 1991 iyo intii ka danbeysay waxayse u baahantahay daraasad in lagu sameeyo madaxda wasaaradana waan gaadhsiiyey” inkastoo uu sidaas yidhi sarkaalkaasi hadana majirto wax talaabo ah oo ay wasaaradaasi ka qaaday iyo dhaqdhaqaaq ku saabsan sidii caalamku ugu soo gurman lahaa oo ay qaylo dhaan ka samaysay hase yeeshee waxa aafadan mudo dheer isku hawlay inuu caalamka iyo xukuumada somalilandba gaadhsiiyo xildhibaan ka tirsan golaha degaanka ee degmada Berbera balse ilaa waqtigan xaadirka ah majirto cid ka hoos qaaday marka laga reebo xubno saraakiil ah oo kasoo saaray qoraal dheer oo ay kaga warbixinayaan dhibaatada ay gaadhsiiyeen agabkii ciidan gaar ahaan shidaalkii gantaalahu deegaanka Berbera iyo nawaaxigeeda, kaasoo ay xuseen in ay ilaa hada agabkaasi qaybo kamid ahi daadsan yihiin magaalooyinka dalka haba u badnaadeen meelaha ay dhex yaalaan magaalada Berbera eh, iyagoo saraakiishaasi u gudbiyey qoraalkoodaas madaxda gobolka iyo hay,adaha kale ee dawlada qaar kamid ah hase yeeshee ma jiraan wax talaabo ah oo ay ka qaadeen iyadoo welina halkii kasii socota dhimashadii geeduhu isla markaana aanay muuqan cid dareensan arintan wer-werkeeda leh marka laga reebo tiro yar oo u badan dadka xoolo dhaqatada ah, kuwaas oo markay ka waramayaan yidhaahda “ abaar kasta oo ka dhacday xeebahan hadana weli lama arag dhimashadan dhirta ee noocan ah waxad arkaysaa geedkii bishii hore qoyanaa oo danbaska ah, hada waa kulankii aan gu iyojiilaal weligii la arag boqolaal geed oo maalmo yar ku engega waayaab waxan loo soo direy dhirtii xitaa xaabo ka hadhi mayso” weedhahaa iyo qaar lamid ah ayay ka bixinayaan reer guuraaaga jiidahaasi dhirtu ka dhimanayso degaa waxaanay arintani ku noqotay waxaanay weligood usoo joogin dhimashada dhirta ee xadigan le,eg, dhimashadan geed weynta ayaa ah mid u baahan aqoon derista si looga hortago halista kaga soo fool leh deegaan xeebeedka Berbera dabar go, dhireed oo ku yimaada si hadaba taas loo helo ayaa xukuumada Somaliland waxa lagama maar maan ah inay xilweyn iska saarto gurmad qaran oo degdeg ah iyo sidii ay u gaadhsiin lahayd hay,adaha caalamiga ah si loo derso sabata aafadan xasuuqday maalaayiinta geed isla markaana sii baahaysa maalinba maalinta ka danbaysa si looga badbaadiyo saaxaare deegaankaas xeebaha duleedka Berbera.

Top


Gudoomiyaha Maxkamadaha Islaamiga Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegay War Ka Soo Yeedhay Cali Mahdi

Muqdisho, August 6, 2007 (W/C) – Gudoomiyihii golaha maxaakiimta Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed oo hadda ku sugan magaalo madaxda wadanka Eritrea ee Asmara ayaa gaashaanka ku dhuftay war uu siiyay idaacadda VOA gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaliya Cali Mahdi Maxmed ee loo fadhiyo magaalada muqdisho ee ay hadheeyeen weerarada isdaba jooga ahi.

Warka uu VOA uu siiyay Cali Mahdi ayaa sheegayay in uu jiro qorshe uu kula kulmayo kooxaha ku sugan Asmara ee loogu yeedho Baarlamaanka Xorta ah iyo madaxdii Maxaakiimta, shirkaasi oo uu cali mahdi sheegay inuu ka dhici doono magaalada Jabuuti si ay uga wada hadlaan shirka dib u heshiisiinta Somaliya iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xubnahaasi shirka.

Sheekh Shariif waxa uu ku tilmaamay shirkan shirqool, isaga oo ku eedeeyay gudida sare ee Abaabulka shirkan qaar calooshooda u shaqaystayaal ah oo aan dhex-dhexaad ahayn balse uu C/lahi Yusuf soo magacaabay.

“ anagu shir dib u heshiisiineed uma naqaano ee waxaanu u naqaanaa shirqool, mida kale Cali Mahdi iyo Ragiisu waa calooshooda u shaqaystayaal aan dhex dhexaad ahayd oo Cabdilahi Yusuf soo dhoodhobay, sidaas daraadeed waa war aan jirin sheegashadiisa ku salaysan inaanu kula kulmayno Jabuuti” ayuu yidhi Sheekh Shariif Sh. Axmed oo mar uu u waramayay Idaacadda Horn Africa ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxa uu Shariifku shaaca ka qaaday in aanay kulan ay la yeeshaan daayoo aqoonsanayn guddida shirka dib u heshiisiinta Muqdisho ee Cali Mahdi hgoaaminayo. Waxa kale oo uu shariifku meesha ka saaray war dhowaan lagu baahiyay wargeyska Asharqul Awsat, warkaasi oo dulucdiisu ahayd inay dawladda Itoobiya iyo Maxaakiimtii Somalia u socdo wada hadal qarsoodi ahi, waxaanu sheegay shariifku in aanu warkaasi jirin.

Dhinaca kale waxa isna hadalka Cali Mahdi si kulul uga jawaabay Prf Ibraahim Xassan Cadow oo ka tirsan madaxda Sarsare ee Maxaakiimta Somalia, laguna tiryo inuu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu waa weyn golaha Maxaakiimta ee haatan madaxdiisii dibad jooga yihiin, isla markaana ahaan jiray wakhtigii ay ka talin jireen xoogaga islaamka ee Maxaakiimtu Muqdisho iyo badi koonfurta iyo badhtamaha Somalia xog-hayahoodii arrimaha dibadda.
 

Top


Wasiiro Ka Qayb-Galay Xaflad Loo Qabtay Arday Ka Qalin-Jebisay Jaamacadda Camuud

“Axsaabta Mucaaradku Waa Inay La Mid Noqdaan Ama Ku Daydaan Xisbiga Ucid ,Taasoo Ah Mid ........" Wasiirka Daakhiliga

“Waxan Idin Kula Talinayaa Inaydaan Sida Dhakhaatiirta Kale Aydaan Farmasiyo Uun Furanine Aad ...." Guddoomiyaha Awdal

“Jaamacaduhu Waxay Ku Socdaan Kuna Meelmareen Waa Maamul Wanaag, Dalkeenna Iyo Dadkeenana Waad...." Guddoomiyaha Ucid

Boorama, Aug 6, 2007 (Haatuf) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka waxbarashada Soomaaliland Xasan X. Maxamuud (Xasan Gadhweyne), kana mid ahaa wasiirka Gudaha C/laahi Ismaaciil (Cirro) ayaa maanta ka qayb-galay xaflad loo qabtay arday ka qalin-jebinaysay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Cammuud.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, xafladdan oo lagu qabtay hoolka Jaamacadda Camuud, ayaa waxa kale oo kasoo qayb-galay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Marwo Edna Aadan, Guddoomiyahah Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Gobolka Awdal Mxamuud Sh C/laahi, Duqa magaalada Boorama Cabdi Shide Bile, Guddooamiyaha Jaamacadda Cammuud Prof .Saleebaan Axmed Guuleed, Aqoonyahanno ka socday qurba-joogga reer Awdal ee taakuleeya Jaamacadda, macallimiin, madax-dhaqameedyo, Ardayda Jaamacadda iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa ugu horeyn halkaas khudbad isugu jirtay warbixin iyo soo dhaweyn ka jeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, isagoo dadka ka soo qayb-galay xafladdaasi uga mahad-celiyey sida ay uga soo qayb-galeen munaasabaddan .
Prof. Saleemaan A. Guuleed, waxa kale oo uu ka warramay heerka maanta ay Jaamacadda Cammuud ka marayso dhinaca aqoonsiga Caalamka, waxbarashada iyo siyaabaha dadban ee jaamacaddu uga qayb-qaadato horumarinta dadweynaha Gobolka iyo guud ahaanba Somaliland, waxaana hadaladii uu halkaa ka yidhi ka mid ahaa "Waxan maanta mar-kale isugu nimid munaasabad ka farxinaysa cid kasta oo jecel wanaagga iyo horumarinta dalkeenna iyo dadkeenna, waa maalin kale oo ay dadweynaha u baahan horumarka ay ku soo biireen maskax ka fayow qabyaalad, isnacayb iyo jaahilnimo, sidaa darteedna istaahila inay ku soo biiraan mujtamaaceenna u baahan cilmiga iyo aqoonta".

Waxa kale oo munaasabaddan isaguna ka hadlay madaxa Kulliyadda caafimaadka Dr. Siciid Axmed Walhad, hadaladii uu halkaas ka jeediyey waxa ka mid ahaay "Waxan aad ugu faraxsanahay in dedaalkii loo galay sidii loo heli lahaa kulliyad lagu barto caafimaadka oo aan maanta haynno midhihii u horreeyey, kaddib markii ardayda maanta halkan ka qalin-jabinaysaa u soo dhabar-adaygeen ku dhawaad lix sannadood inay dadkooda iyo dalkooda u bartaan waxa caalamka qaaliga ka ah oo ah caafimaadka iyo dadka caafimaadka ka shaqeeya".

Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Abwaan Maxamed Xaashi dhamac Gaariye, kana mid ah macallimiinta Jaamacadaha dalka, waxaan halkaasi ka sheegay hadallo ay ka mid ahaayeen "Maanta waa maalin kale oo aan aroos kale isugu nimi, waana farxad soo noqnoqonaysa, waxanse dadkeenna u sheegeyaa in Barashada Af-soomaaligeennii ay dayacantahay. Waxa Af soomaaliga barta dadkii ajnebiga ahaa, waxanan dhawaan tegi doonaa dalka Norway oo aan Af-soomaaliga soo bari doonaa dadkeenna iyo dadyawga dhulkaa ku nool".

Sidoo kale, waxa iyaduna halkaasi ka hadashay Marwo Edna Aadan oo ay hadaladeedii ka mid ahaayeen "Waxan xasuustaa maalintii la asaasayey Jaamacaddan oo dad badani aaminsanaayeen inaysan waxani soconayn, balse maanta la arkay dedaal kasta oo loo galo waxa shicibku u baahan yahay in la gaadhayo. Waxaan ka xumahay mukhaadaraadka jaadku ka mid yahay oo ay dadkeennii iyo dalkeeniiba curyaminayaan, kuwaas oo aan maanta ku soo arkay jidadka isku xidha Boorama ilaa Hargeysa , waana ayaan-darro".

Xafladdan shalay ayaa waxa kale oo ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID Faysal Cali waraabe, isagoo guddoomiyuhu ka hadlay dareenkiisa ku saabsan xaaladda maamul ee Jaamacadda, waxa uu yidhi "Waxaad ogtihiin xaaladda dhaqaale ee dalkeenna, waxa kale oo aad ogtihiin itaalkeenna dawladeed iyo kan shicibkaba, sidaas oo ay tahay ayaan dedaal ka wadnaa dhinaca jaamacaddaha dalkeenna ka dhisan. Waxan marag ka ahay in haddii maamul xumo ka jirto Jaamacadda aanay marnaba gaadheen heerkaasi, waanan ku ammanayaa dedaalkaasi".

Duqa magaalada Boorama C/raxmaan Shide oo isna hadallo kooban ka jeediyey munaasabaddan shalay ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa “Waxay dawladda Hoose ee Boorama dedaal u gashay sidii ay taageero dhaqaale u siin lahayd Jaamacadda, isla markaana ay ugu diyaarin lahayd dhul ay ka dhisato guryaha ardayda gabdhaha ah ee aan kireysan karin guryo gaar ah, waxaanan wadnaa iskaashi noo dhexeeya anagoo ka codsanayna in Jaamacaddu nagala qayb-gasho mashruuca tirada guryaha iyo dadka oo faai’ido badan u lahaan lahaa annaga iyo dadkaba".

Masuuliyiinta dawladda ee shalay halkaasi ka hadashay ayaa waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi, isagoo si kaftan ula hadlay dhakhaatiirta ka soo baxday kulliyadda caafimaadka waxa uu yidhi "Waxaan u mahad-celinayaa dedaalka kulliyaddaasi ku soo saartay dhakhaatiir cusub oo caafimaadka dadkeenna wax ka tarta, waxaanan idinkula dardaarmayaa inaydan sidii dhakhaatirtii idinka horreysay aydaan Farmasiyo uun furanne aad ka shaqaysaan adeegyada caafimaadka dadkeenna”.
Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdilaahi Issmaciil Cali (Cirro) oo isna halkaasi ka hadlay shalay ayaa yidhi "Annagu haddaanu nahay wasaaradda arrimaha gudaha shaqadayadu waa sugidda nabadgelyada, dhinaca waxbarashada waxa ka hadli doona wasiirka waxbarashada.Waxanan leeyahay waar dadkeennu ha kala bartaan axsaabta mucaaradka ee wax toosinaysa, hana ku daydaan Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo aad ogtihiin afkaartiisa iyo hadaladiisuba inay yihiin kuwo dhex ah oo toosin ah. ka sheekayn kari-maayoi waxa naga qabsaday jidka u dhexeeya Boorama iyo Hargeysa, 1992-1993-kii,wakhtigaas oo nin gaadhi la qallibmay qori noogu qaatay haddaydaan i-daba-socon gaadhigaasi ma qallibmeen".

Ugu dambatyntiina xafladdan shalay waxa ka hadlay Wasiirka waxbarashada Xasan X. Maxamuud, isagoo yidhi "Anigoo wakiil ka ah Madaxweynnaha Somaliland oo i-soo faray inaan idin soo gaadhsiiyo salaan niyad ah, waxaan markale idin xusuusinayaa sida wasaaradda waxbarashadu dalkan u gaadhsiisay horumar aan weligii la gaadheen”. Wasiirka waxbarashada oo munaasabaddaasi ka akhriyey warbixin dheer oo la xidhiidha heerarka kala duwan ee waxbarashada Somaliland soo martay, ayaa aakhirataankii shahaadadii qalin-jabinta halkaasi ku guddoonsiiyey 105 Arday oo ka qalin-jabiyey kulliyadaha maamulka, caafimaadka iyo waxbarashada.Waana dufcaddii lixaad ee ka qalin-jabisa jaamacaddaasi tan iyo intii Cammuud laga aasaasay muddo haatan laga joogo toban sano ku dhawaad.

Top


Maxaabiista Urur Siyaasadeedka Qaran Oo Eheliyadoodii Loo Diiday Inay Ku Booqdaan Xabsiga Mandheera

“Mandheera Ma Godkii Afweyne Fasax Looga Soo Qaadan Jiraa”

Hargeysa, August 6, 2007 (Haatuf) – Maxaabiista urur siyaasadeedka Qaran ee todobaadkii labaad ku xidhan xabsiga degmada Mandheera ayaa gebi ahaanba loo diiday in la booqdo.

Sida ay Haatuf u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, qof kasta oo doonaya inuu maxaabiistaasi siyaasadeed booqdo waa inuu marka hore soo maro, Gudoomiyaha Guddida Nabadgelyada Qaranka ee aan dastuurka ku jirin, oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, C/laahi Ismaaciiil Cali (Ciro).

Arrintani waxay ka dambaysay markii ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa qoraal ogolaansho ah oo ay ku booqan karaan siisay shan ka mid ah ehelada Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi, taasi oo ay ku socodsiisay Taliyaha Jeelka Mandheera, ogeysiina laga siiyay Hogaanka Hawlaha Xabsiyada ee Ciidanka Asluubta.

Warqadan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/Raxmaan Jaamac Hayaan waxa ay ku taariikhaysan tahay 04/08/2007, waxaanu Gudoomiyuhu ku yidhi qoraalkiisa “Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay ku faraysaa inaad u ogolaato inay booqdaan ehelada eedaysane:- Maxamed Xaashi Cilmi Qod:- 231, 505 XCG.
Ee ay magacyadoodu kala yihiin,
1. Amran Cali Xiis iyo saddex carruur ah
2. Khadiija SHariif
3. C/Salaan Cali Xaashi
4. Hodan Cali Xaashi
5. Mukhtaar Cali Xaashi

Sidaasi darted waxa taliye lagu farayaa inaad u ogolaato inay booqdaan eheladani eedaysanaha magacyadoodu sare ku xusan yihiin inay booqdaan maanta oo ay taariikhdu tahay 04/08/2007.
Allaa Mahad Leh”

Inkasta oo uu Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa warqadiisan ku socodsiiyay taliyaha Xabsiga Mandheera, haddana waxa uu ehelada Maxamed Xaashi shurruud kaga dhigay inay marka hore sii maraan Hogaanka Hawlaha Xabsiyada ee ciidanka Asluubta oo uu warqadiisana ogeysiin ku siiyay.

Hase yeeshee, sida uu Haatuf u sheegay Mukhtaar Cali Xaashi markii ay u tageen Hogaankii Hawlaha Xabsiyada isla maalintii 04/08/2007, waxa uu ku wargeliyay inay berri u soo noqdaan [shalay], markii ay ku noqdeena waxa uu ku wargeliyay in aanu siin Karin wax fasax ah oo ay ku tagaan halkaasi. Mr. Xaashi oo ka mid ah shantan xubnood ee loo diiday inay booqdaan, isaga oo ka waramaya waxa uu yidhi. “Markii aanu warqada ogolaanshaha ka soo qaadanay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka waxa uu noo sheegay in aanu sii marno hogaanka hawlaha Xabsiyada ee Ciidanka Asluubta, waxaanu hogaankii noo sheegay in aanu berri [05/08/2007] ku soo noqono, iyada oo sida caadiga ah tan iyo intii ka dambaysay markii la xidhay 28/07/2007, uu taliyaha Xabsigu u sheegay dadkii booqanayay in cid kasta oo doonaysa inay maxaabiistan la kulmaan ay marka hore soo maraan taliskooda, kaasi oo ku sii lifaaqa warqad kale, tan ay maxkamaddu marka hore soo qorto. Hase yeeshee markii aanu saaka [shalay] u tagnay hogaanka hawlaha Xabsiyada ee Asluubtu waxa uu noo sheegay in amar dambe kaga yimid xagga taliskiisa, kaasi oo ah in guddida nabadgelyada Qaranku ay gebi ahaanba joojisay booqashada maxaabiistaasi siyaasadeed ee ururka Qaran, sidaasi darteedna aanu waraaq lifaaq ah iyo wax ogolaansho midna na siinayn. Ka dibna waxa aanu ku noqonay Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka ee markii hore warqada noo soo qoray, waxaananu u sheegnay in aanay warqadiisii soconayn, waxaanu dusha wax kaga qoray warqadii uu marka hore na siiyay, taasi oo uu ku socodsiiyay Wasiirka Cadaalada oo uu leeyahay wax ka qabo, nasiib darro wasiirkii, ku xigeenkii midkoodna maanu helin, waxaananu u tagnay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda, isaguna waxa uu noo sheegay in hawshaasi loo kala sareeyo oo aanu faraha gelin Karin.”

Hase yeeshee Mukhtaar mar aanu weydiinay, bal inay guddida Nabadgelyada ee Hogaanka Hawlaha Xabsiyada ee Ciidanka Asluubtu sheegay inay amarka diidmada soo saareen inay ogolaansho weydiisan doonaan iyo inkale waxa uu yidhi. “Iskumaanu deyin in aanu guddida Nabadgelyada ogolaansho weydiisano, iskuna dayi mayno, marnaba waxa sharcigu ii fasaxayo ee ah in aan xaq u leeyahay booqashada maxaabiistaasi ka baryi maayo guddi nabadgelyo oo aan sharci ahayn. Arrintana waxaan u arkaa khaladaad fara badan oo ka socda garsoorka iyo asluubta si ay u cabudhiyaan maxaabiista.

Arrinta guddida Nabadgelyaduna waxay noogu muuqataa in ay tahay cadaadis iyo caga-juglayn ka dhan ah qawaaniinta dalka u taala iyo xaqa loo leeyahay in qof maxbuus ah lagu booqan karo jeelka.

Ugu dambayna waxa aan leeyahay Mandheera ma godkii Afweyne fasaxa looga soo qaadan jiraa”.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo u dhuun daloola amarkan ehelada Maxamed Xaashi loogu diiday inay booqdaan, waxa uu soo baxay 03/08/2007. iyada oo maalintaasi dadka doonaya inay booqdaan gaadiidka lagaga dejinayay magaalada Sheekh Abdaal oo ah halka looga leexdo Mandheera, taasi oo 7km kaga began dhinaca Koonfureed.

Ilaa 3-dii bishana ma jirto cid maxaabiistaasi halkaasi ku booqatay.

Waxaana jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan in maxaabiistan siyaasadeed ee ururka Qaran cadaadiska ay xukuumadda doonayso inay saartaa uu sabab u noqdo in gebi ahaanba booqashada laga joojiyo maxaabiista kale ee ku xidhan jeelka Mandheera, oo dhammaantood lagu xidho in ogolaansho looga soo qaato wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah Gudoomiyaha Guddida Nabadgelyada Qaranka.

Talaabadan ay xukuumadda Somaliland ku joojisay in la booqdo maxaabiista siyaasadeed ee Qaran, waxa ay daboolka ka qaaday xan hoose oo sheegaysay in xukuumadda madaxweyne Rayaale wasiiradu kala awood badan yihiin, sababta oo ah maxaabiista ururka Qaran ee hadda ku jira xabsiga Mandheera waxa ay gacanta ugu jiraan ciidanka Asluubta oo hoos yimaada Wasaaradda Cadaaladda iyo hay’adda garsoorka dalka, laakiin marka la eego qorshahan cusub ee lagu soo rogay waxa ay si toos ah u hoos imanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo iyada sharci ahaan xukunta ciidanka Bileyska.

Waxa kale oo ay arrintani dhabarka ka jebinaysaa madax banaanida nidaamka garsoorka dalka, mar haddii maxaabiistii Maxkamadu jeelka u dirtay in la booqdo ogolaansho looga doonanayo wasiirkii arrimaha gudaha ee markii hore masuulka ka ahaa xadhigooda, halkii ay ahayd in ogolaanshaha gudoomiyaha maxkamadda gobolka lagu booqdo. Sidaasi darteed, waxa ay u muuqataa in nidaamka garsoorka dalku si dadban u hoos yimaado wasaaradda arrimaha gudaha iyo hay’adda fulinta [xukuumadda].
Haddii ay tani sii socoto waxa ay noqonaysaa in markaa maxkamadaha dalka la iska xidho, oo xukuumaddu ciday doonto, waqtigay doonto soo xidhato, siday doontana ula dhaqanto.

 


“Waxa Muuqata Goleyaal, Asxaab, Iyo Qaybsanaan Dadweyne, Jawigii Ay Doorashooyinku Ku Qabsoomi Lahaayeena Waa Inaynu Qorshe Hawl-Gala Ka Sii Yeelano”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida – Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa, August 6, 2007 (Haatuf) – Kalfadhigii 33-aad ee golaha guurtida oo si rasmiya shalay uga furmay xarunta golaha guurtida, ayaa mudaneyaashii ka soo qayb galay madashaasi loogu qaybiyey nuqulka ajandaha kalfadhigaasi oo ka kooban afar qodob, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen qodobada siyaasada arrimaha gudaha iyo doorashooyinka soo socda.

Fadhigan shalay oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sidoo kale fadhigaasi laga akhriyey mooshin maamuus ka xayuubin ah oo ku waajahan Md. C/raxmaan Qawdhan oo ka mid ah golahaasi, kaas oo ay soo saxeexeen 22 mudane, kuna eedeeyeen xildhibaankaasi inuu ka been-abuurtay magacyadooda iyo saxeexoodaba, taas oo uu ku daray baaq ay soo saareen mudaneyaal golahaasi ka mid ahi oo ujeedadiisu ahayd in la bedelo xubnaha komishanka ee golaha wakiiladu diideen ansixintooda.

Khudbad uu gudoomiyaha golaha guurtidu uu ka jeediyey furitaankii kalfadhigan 33-aad ee golahaasi ayuu kaga waramay arrimo ku waajahan doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyo qaybsanaanta wakhtigan xaadirka ah ka jirta goleyaasha qaranka iyo guud ahaan shacabka, waxaanu gudoomiyuhu khudbadiisaa ku bilaabay “Wakhtigan xaadirka ah waxa inagu soo fool leh dal ahaan hawlo culus oo ay ugu weyn yihiin doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo madaxtooyada oo xiligii loo cayimay qabsoomidoodu ay inagu soo fool leeyihiin, Illaahay tubta toosan hayna waafajiyo. Markay doorashooyinku yimaadaana waxa dhacda in bulshadu ay xisbiyo u kala qaybsanto, jawigii ay doorashooyinkaasi si salmiya oo xasiloon ugu dhici lahaayeen inaynu ka hawl-galno kalfadhigeenan iyo ka dambe oo aynu istaraatijiyad iyo qorshe u sii samaysano ayaa laynooga baahan yahay, waxaana muhiim ah in si nabadgelyo ah oo maslaxada dalka iyo dadku ku jirto ay u qabsoomaan, arrinta inaga khusaysaana waa sidii danta guud looga midoobi lahaa ee wada-jirka iyo midnimada umadana loo ilaalin lahaa, iyada oo uu qof kastaana uu xisbiga uu rabo taageeradiisa siin karo, balse danta qaranka iyo maslaxada ummada aragti midaysan laga yeesho.

Wershadii furaashyada samaynaysay ee Al-khayraad ee dhowaan gubatay xarunteedii waanu booqanay, waxaana loo baahan yahay inaynu gole ahaan qaybteena ka qaadano masiibada dabka ah ee wershadaasi soo gaadhay, waxna iskaga ogaano.
Dhinaca kale, waxaan idiin sheegayaa in 22 mudane ay noo soo gudbiyeen mooshin maamuus ka xayuubin xileed ah oo ku waajahan xubin ka tirsan golaha guurtida”.

Intaas kadib, xoghayaha golaha guurtida ayaa halkaasi ka akhriyey magacyada qoraalkii soo jeedinta mooshinkaasi, balse may suurto-gelin in fadhigaasi laga hor akhriyo nuqulka mooshinkaasi, gudoomiyuhuna muu cadayn in mooshinkaasi jabay iyo in kale, laakiin waxa la filayaa in fadhiga maanta la soo hordhigo doono mudanayaasha golahaasi mooshinkaasi.
Gebagabadii fadhigaasi ayaa mudaneyaasha golahaasi loogu qaybiyey nuqulka ajandaha kalfadhiga 33-aad ee golahooda, kaas oo u qornaa sidan:

“Ajandaha Kal-fadhiga 33-aad Ee Golaha Guurtida JSL:
1. Dhegaysiga War-bixinta guddiga joogtada ah.
2. Siyaasada Gudaha:
a. Xoojinta xidhiidhka wada-shaqaynta goleyaasha,
b. Nabadgelyada iyo xoojinteeda (amniga gudaha iyo derisyada),
c. Wacyi-gelinta dadweynaha,
d. U-diyaar-garawga taabo-gelinta iyo hirgelinta barnaamijyada ku waajahan doorashooyinka qaranka.
3. Dhegaysiga Wax-qabadka Wasaaradaha qaarkood.
- Arrimaha Gudaha
- Cadaaladda
- Warfaafinta
- Qorsheynta Qaranka
- Caafimaadka.
4. Waxyaabo kale (Any other business)”.
 

Top


ILHAAN

MAANSO MUG IYO MIISAAN LEH – Cabdiraxmaan Cawlo

Cabdiraxmaan Cawlo (Cabdiraxmaan Baqdaadi ) wuxuu ahaa maanso-yahan weyn, aftahan iyo waliba murti yaqaan laga yaqaanay guud ahaanba dhulka lagaga hadlo Af Soomaaliga siiba caasimadaha Djibouti, Muqdisho iyo Hargeysa. Hillaadda kun iyo sagaal boqol iyo sideetameeyadii ayay ahayd markii uu mujaahidku faraha ka qaaday, curinta qaybaha kala duwan ee murtida Soomaalida sida: gabayada, heesaha iyo geeraarada. Taasi oo ka dhalatay talo uu siiyey (Alla ha u naxariiste) adeerkii Cabdilhaahi Cawlo, oo ahaa gabayaa isaga laftiisa laga yaqaanay Somaliland iyo magaalada Cardiff oo uu ka mid ahaa raggii ugu horreeyey degidtaankeeda.
ILHAAN waa maanso ka dhalatay ammaba daba sacota gabayga DHUL GARRIIR ee uu tiriyey gabayaaga weyn waa Max’d Ibrahin Warsame ( Hadraawiye ), kaasi oo uu abwaanku kaga hadlayey hayb sooca iyo xaq darrada lagu hayo dadka laga tirada badanyahay. Cabdiraxman Baqdaadi isagoo ka duulaya tuducyada DHUL GARIIR ee ah “Inaan dhaabadeeyaan rabaa, dhawr kal dabadeede, dhaxalkeeda nimankii lahaa wey dhabaandhabiye ” oo uu abwaanku ugu gacanhaadinayo abwaanada Soomaaliyeed iyo ummadduba inay wax ka yidhaahdaan hayb sooca lagu hayo dadkaa laga tirada badan yahay, aynuu abawaan Cabdiraxmaan noqday labeeyaha liibaaney ee labeeyey DHUL GARIIR.

Abbirisaq Alpho.
ILHAAN
Ilhaanay gobaad tahay,
Gob gobi dhashaad tahay,
Gacal iyo xigtaad tahay,
Gashaantiyo xurmaad tahay,
Guuriyo xilaa tahay,
Gayaaniyo facbaad tahay,
Gabadh dumar u mudanoo,
Lala guri gala tahay,
Garaysiyo hidddaa tahay,
Wadnahayga geesiyo,
Gobol iga midaad tahay,
Hablaa geeska joogee,
Galad lagu manaystee,
Lagu sheegay gabaygiyo,
Garab iga midaa tahay,
Waqtigii gumaysiga,
Raggii guulka kiciyee,
Gobonimada dhaliyee,
Guntiga maroorsaday,
Adaa gees ka taagnaa,
Gu’gaa hore gu’gii xigay,
Iyo dhawr gu’ dabadeed,
Markii laysku dabar go’ay,
Markay guushu dagatee,
Qofkii garasho dheeraa,
Gaaddaysi lagu dilay,
Markuu dhiigu gobo yidhi,
Adigiyo gabdhii kale,
Iyo gaaridii dumar,
Markaad gibisha qaadeen,
Gurdan socodka baaqiyo,
Galaayuuska qaylada,
Markaad gama’a diideen,
Markaad gacaladaydaay,
Guclo orod ku madhateen,
Gulufkiyo colaadii,
Markii gorada lays daray,
Adigaa u golongolay,
Guubaabadaydoo,
Garab baad ka taagnayd,
Libintii la gaadhee.
Gaaniyo siyaad iyo,
Guutooyin koodii,
Raggii gaystay dhiilada,
Raggii gaban la dooxiyo,
Gaba gabada kaa dhigay,
Nimankii gumaadkiyo,
Kaa yeelay gawraca,
Nimankii garnaylkiyo,
Afcas kugu garaacee,
Gurigaad ku dhalatiyo,
Gubay maatidaadii,
Dhaqankaa ku gaasiray,
Hadduu yidhi gobaadeey,
Gafba may samaynoo,
Iyaguna gob weeyaan,
Adiguna gun baad tahay,
Waa geeri kula taal,
Iyo waxaanad gayiniyo,
Hiboy godob lagaa galay,
Haddii aad il gabaxiyo,
Goobyaal ku nooshahay,
Haddaad gooni daaq tahay,
Ciil kugu guntamayiyo,
Cadho kugu gadhoodhiyo,
Gunaad uurka jiifiyo,
Gabalkaa madow yahay,
Anna garab la’aaniyo,
Nimay geesi maqantiyo,
Goblan yuururaan ahay.
Kama gamo habeenkii,
Ilmadaada gobolee,
Googoysay dhabanada.
Ilwaaday garaadkiyo,
Garashadu ha doodee,
Marna gooha hadalkiyo,
Garnaqsiga ha daynine
Ha timaado geedkee,
U yeedh guurtidaadii,
Waxaad golaha keentaa,
Wixii godob lagaa galay,
Hadduu caado guuniyo,
Dhaqan yahay maguurta ah,
Gunta xidid ku leeyahay,
Gaar adiga kugu yahay,
U gardaado-xidhantahay,
Ma dhiig gooniyaa jira,
Uu gaystay aabahaa,
Ama galay awowgaa,
Gocashadan xanuunka leh,
Ayaa guudka kuu sudhay,
Ma GUULLAA sidaa yidhi
Mise nabad galyada iyo
Naxariistu gabigeed,
Guudkiis ha noqtee,
Guta MOHAMED baa yidh,
Xadiis gooniyaa jira,
Iyo sunne ma guura ah,
Oo guudka kuu sudhan,
Oonad gees ka dhaafayn,
Mise garasho liidiyo,
Waxaan maanka galinoo,
Ummad ceeb ma gayda ah,
Loo gaystay weeyaan.
Wuxuu galo wuxuu gudo,
Amma wuxuu ka gaabsado,
Amma wuxu garowsado,
Amma wuuxu garwaaqsado,
Amma wuuxu gudoonsado
Wuxuu golaha soo dhigo,
Annaa gogol u fidiyee,
Maye gocoradoodii,
Gargarooca yaashii,
Kuu gaystay nabarkee,
Golqaniinka kugu dilay
Iyo garab ku daaqii,
Kuwii gorada dheeraa,
Iyo gaade yaashii,
Gabi meel isugu keen.
Adiguna gobaadeey,
Garnaqsaad u joogtaa,
Arrinkaaga waxa gala,
Waxa golaha kuu taga,
Qaar lagu goblama oo,
Garta niqi yaqaanoo,
Guushu ay la socotoo,
U gargaara samahoo,
Nabadana gardaadshoo,
Ka gadooda ceebtoo,
Gafka iyo xumaatada,
Ka gilgilan yaqaanoo,
Gabashada aqoonoo,
Xaqa garabka saaroo,
Wuxu GUULE farayiyo,
Guta waajib koodoo,
Neceb gooni soocoo,
Kuu gaara adigoo,
Kugu gaadhay darajoo,
Sharaf guudka kuu sudhay.
Iyagaa gorfayniye,
Boobow gadhka u qabo,
Garabkayga midigiyo,
Gacantayda bidix noqo,
Intaan geeri loo wicin,
GEED hadhaca weeyoo,
Lagu gamo hadhkiisoo,
Garoo dayro dhaafyada,
Gabadanada jiilaal,
Asagaa gaboodee,
Mar labaad ha goohoo,
Gufaacooyin kiisii,
Ha u yara galaaloo,
Ha u fiidho guudkee,
Gudoonsii Hadraawoo,
Ina walanwal gaadhsii,
Go’e waxaad tidhaahdaa,
Qalinkaagi guushiyo,
Midabada guduudka ah,
Ku galgalan yaqaaniyo,
Gurgur qaadahaagii,
Iyo gibil ma daadshii,
Xaqa haw gargaaree,
Qarqarsiga ku gabaxsii,
Heeryada gudoonsii,
Yuu caynku kaa gu’in,
Garba duub kabaalada,
Gucunada lugcaarka ah,
Gunudoo xadhkaha badi,
Waxaad gurada saartiyo,
Giigiiji haamaha,
Gocay yaanay kaa furan,
Yuu jabin gadaankuna,
Waa galab caraabee,
Guuraha habeenkiyo,
Ha ka baqan gudoodiga,
Adaa goolka dhaliniye,
Garaadkiyo aqoontiyo,
Kobci garashadeedoo,
Gaadhsii shinka u dhiman,
Geediga dardaro gali.
Markay gaadho diilada,
Amma ay god-dhebe tahay,
Galka seefta laga dhigo,
Kaa gaabin maayoo,
Gabbad wayga xaaraan,
Iyo inaan ka gaabsado,
Gudashada xilkaygee,
Anna gaadhka hore iyo
Waxan gaysan karo iyo,
Garab Maxamed iga filo,
Gabigeed adduunyada,
Afarteeda geesood,
Haysu wada gunuustoo
Haysku gacalo oydoo,
Inta guud ku nooliyo,
Ha gilgilo naflaydee,
Dhul gariirku yuu damin.
Isna gacalo haygii,
Galad lagu manaystee,
Garashadu u dheerayd,
Hadda waa gadhweynee,
Rashiid sheekh u giringiri.
Ha gaadhsiiyo ceelkoo,
Gaawaha ha qaatoo,
Gunta haysu tuuroo,
Goray hawgu heesoo,
Kuwa gees u baxayee,
Ka didaaya gaudily,
Ha waraabsho gamastee,
Gaariye warka u sheeg,
Ganay jiifka kaga kici,
Gaaxnuugna eeg eeg
Ahmed geedina u yeedh,
Maansada gankeediyo,
U gu’ tiriya deelleey,
Yuu gabalku kaa dhicin,
Casarkana ha gaadhsiin.

Cabdiraxmaan Cawlo (Baqdaadi).
amawlo@yahoo.com

Top


Somaliland Xagay Ku Socotaa?

Marka hore Alle ayaa mahad iska leh intaa ka dib ma xiiseeyo inaan siyaasada qalinka u furto,laakin maqaalkan waxaa igu kalifay galab galbaha ka mida ayaa nin aanu sxb nahay ii sheegay in niman odayaal ah lagu xidh-xidhay Hargeysa,hadiiba aan u sii dhabo galay arrintaas ogaaday kuwa ay yihiin odayaasha la xidh-xidhay,anigoo ogaa murano hore oo Somaliland ka jiray oo loo caal-waayey xalintooda ayaa waxaa maskaxdeyda u soo baratamay su,aalo tiro badan.....Somaliland xagay u socotaa?..........murankan maxaa sabab u ah?.............hadiiba is maandhaafkan uu ku dhamaado si aan Somaliland dan u ahayn Alle kama dhigee, yaa qaadaya masuuliyada arrintaas?

Su’aalahaasi markii ay cabaar i mashquuliyeen ayaaban qalinka furka ka tuuray si aan u cabiro dareen iga dhex guuxay........
Marka hore waxaa xusid mudan in qofkasta oo dareen fayoobi ku jiro inuu ka marag kacaayo Amaanka ay Somaliland ku naalootay xilli dab ka kacaayo meelo badan oo caalamaka ka mida.. Waxa kale oo xusid mudan sharafta ay Somaliland arrintaa awgeed ku kasbatay, taas waxaa aad u dareemi kara qof maal-mihiisa qeyb ka mida ku qaatay Somaliland dabadeed u sibiq dhaqaaqay meel ka baxsan xadka Somaliland.........

Xaqiiqadu waxay tahay in Somaliland ka soo talaabsatay caqabado badan oo ka hor yimid intii ay jirtay balse caqabadahaas ta Alle ka sokow waxaa lagu dhaafay isku duubni iyo wada tashi balse maanta Somaliland waxaa ka taagan caqabado aad moodo Alle kaam dhigee inay yihiin kuwii ay ku khaatumo seegi lahayd sababtu waxay tahay caqligii, awoodii, fikirkii, aqoontii iyo siyaasadii isku duubnaanshaha oo meesha ka sii baxeysa ama kaba baxday....
Run ahaantii siyaasadda Somaliland ee maanta waa mindi-mindi ku taag......waa kan ley iyo keer ley.........waa a tit for a tat.......waa annaa amiir wa’anta amiir.........waa gaadhi leh shukaamo dhowr ah oo nin kaastaa meesha u jecelyahay doonaayo inuu u wado.......waa doon 10 naakhuude leh.......waa digsi 10 qof wada karineyso.............intaas oo dhan isku soo wad duubo Somaliland maanta waa doqontii xadhkaha lagu dilaayo gacnteeda ku sidatay...........
Hadaba su.aashu waxay tahay maxaa sabab u ah dabeyshan ka dhaceysa Somaliland ee aan la saadaalin karin cawaaqibkeeda? Runtii ma aha wax lala yaabo waa caado dad...waa caado bini aadam.....in marka nimco Alle siiyo ay xejin kari waayaan oo ay daadiyaan........hadhowna farta dhexda ka qaniinaan, xili aanay qoomamo wax tareyn.......
Balse waxaa qalbi xanuun leh....waxaa jidhka fayow damqeysa hadii reer Somaliland 16 sanno ka dib u dhaqaaqeen inay Somaliland dumiyaan.......
Waxaan talo ku soo jeedin lahaa hadii dad wax maqlayaa oo wax qaadanayaa ku sii hadheen Somaliland in dalka sidan loo dhaamo........in laysla tago miiska wada xaajoodka.........oo taariikhda dib loo eego.......
Alle waxaan uga bar-yayaa Somaliland in uu ku saaro duufaantan ay gashay Amin
Axmed Mohamed Mose
Student in Kampala.Uganda

Top


Magaca Somaliland Yaan Sida La Doono Loo Isticmaalin

Dastuurka Somaliland-na yaan lagu tuman, dawlada iyo xisbiyaduna yay isku habsaamin ee ha qabteen hawsha u taala.
Waxaan ka hadlayaa aragtideyda iyo xaaladaha aloosan dadkii reer Somaliland way wada qaylinayaan, waxayna doonayaan cadaalad, dawladu waxay doonaysaa cadaalad, hadaba xagay salaadu ka xidhman laadahay?
Waxaan u malaynayaa in layga haraatiyey biyo hoos teed, kani kar leh, kanina gar leh oo markaa waad ka dartay oo haday dibi dhashay iyo wayl daliiga leh, nin baa yidhi hadaan qado ka quustay casuumadii baan joogaa oo xaaladaasi ka taagan tahay, goboladu sidee ayey xaaladoodu tahay ? waxaan u war hayaa gobolka sool waxaa dawlad u ah Dhakool oo Dhado xambaarsan, waxay ku sheegeen wakiil tuug xambaarsan, Rajadii dadweynaha oo quus ka taagan , wixi ay sugayeen, maxay soo kordhiyeen ciidankii gobolka Sool oo Cadde muuse Baayacayo, kana daba yimid una soo dirsaday dilaaliin, balan qaadyo sida , iyadoo xaga kalana ka socdo guluf uu Xaabsade ka wado Sool iyo Buuhoodle.
Maxay u fadhiyaan Wakiilada Gobolku?
Waxay u fadhiyaan wajibaan ka horayn, waa karis xuneey Adna wax ku li’id.
Dacar Maxamed Xasan.
 


Maayerku Waxa Uu Igula Kacay Cadaalad Darro Hor Leh
Awood Baan Waddada Ku Jarayaa, Ayuu Igu Yidhi
Khadar Koosaar Muxumed

Aniga oo magacaygu yahay Khadar Koosaar Muxumed, ahana muwaadin u dhashay Somaliland degan Hargeysa, waxaan halkan kaga hadlayaa cabasho ku saabsan dawlada hoose, khaasatan Maayerka Caasimada Xuseen Maxamuud Jiciir iyo ninkii maayer ku xigeenka ahaa ee ka horeeyey Uur-Cade ee la yidhaahdo C/xakiin Maxamuud Xuseen{Ina Maxamuud Laangadhe}, oo dhibaatooyinka igaga yimid ay ka mid yihiin.

sida la wada arki karo gurigaygu afarta gidaar ee uu leeyahay, saddex gidaar waa dhisme dhinaca woqooyi, Bari iyo Galbeed, dhinaca koonfureed uun-baa waddo ah sida aad arki kartaan.

2004-tii waxa waddada jaray gurigaa iga soo horjeeda oo uu leeyahay C/xakiin Muxumed Xuseen{ina Maxamuud Laangadhe}, oo ahaan jiray maayer ku xigeenkii hore ee Caasimada , imikana Cabdi xakiin waa wakiilka golaha deegaanka ee degmada Axmed Dhagax.

Cabdi xakiin si xoog iyo awood sheegasho ah ayuu ku dhisay xilligii uu ahaa ku xigeenka maayerka, isla markaana uu ahaa ku simaha maayerka, Jiciir oo wakhtigaa dibada u baxay, ka bacdi awoodii uu haystay ayuu kaga faa’iidaystay xilkii uu ummadda u hayey, waana lana cabudhiyey oo hadala waa lanaga qaadi waayey, markay intaasi dhacday waxa aniga gurigayga iyo deyrka iga soo horjeeda u soo hadhay luuq yar oo keliya oo intaa yar oo aan la mari karayni soo hadhay.

Hadaba wadadii yarayd ee ka soo hadhay waxa u yimid maayer Xuseen Maxamuud Jiciir wuxuuna u sharciyeeyey nin shaqaalihiisa la mida {D/Hoose} oo la yidhaahdo Xuseen Jaamac Guuleed{Xuseen Shube}halka uu u sharciyeeyay waa albaabkaygii guruga ee laga baxayey, isla markaana aniga iyo deyrkaa iga soo horjeedaa waddo ma haysano.

Maayer Jiciir markaanu u tagnay ee aanu ku nidhi gafka aad nagu hayso naga daa, guryaha iyo deyrarka sharcigoodu kuwaa yihiin ee xooga aad ku dhisaysaan ka dib maayerkii waxba wuu naga dhegaysan waayay waxayna naga gaadhay in heer ilaa Salaadiin aan u kaxaysto oo uga waramo xaaladan ‘waar bal arrintan hoos u eega ka bacdi maayerkii Salaadiintiina muu-qiimayn cid kalana muu-qiimayn ee wuxuu yidhi ‘waa amar, waa amar albaabada waa la xidhayaa ama sharci ha ahaadeen ama sharci darro ha ahaadeen, meeshuna waa waddo laakiin awood baan ku jarayaa ayuu nagu yidhi.

Waxa kale oo uu nagu yidhi ninka shaqaalahayga ah ayaa meeshaa u karay oo u sharciyeeyay.
Ninkaas oo ah kormeerayaasha dhulka ee D/hoose ee soo sheeg-sheega dhulalka sharci darada lagu dhisanayo.
Intaa dabadeed maalin maalmaha ka mida ayaa waxaan soo tusay meeshii maayer ku xigeenka caasimada ee hadda Maxamed C/llaahi Uur-Cade oo ay la socdaan maayerka iyo xubno kale oo golaha deegaanka ka mida ka bacdi meeshii bay arkeen, Uur-Cade ayaa markaa waxa uu yidhi ‘Macquul maaha oo guryaha ummadda la awdi-maaye’e sharcigoodiina haysta ee dhul badel baynu u samaynaynaa, oo ninkan aad leedahay meeshaan u sharciyeeyay dhul badal baynu siinaynaa Maayarow’ balse maayerkii wuu ka diiday isaga oo aanaan garanayan ujeedada uu ka leeyahay, intaasina markii ay dhacday waxaan u diray niman qaraabadooda oo ehelkiisa ah oo ay aad isugu dhow-dhow yihiin waxna uu ka dhegaysto runtiina uu daneeyo warbixintooda, nimankii baan soo tusay meeshii, arrinkii baan uga waramay iyo waxa ujeedadu siday tahay dhibaatada abuuraysa, guryaha gefka iyo sharci darrada lagu awdayo, caruurta iyo xaaskaa maatida ah ee lagu tacadiyayo aad arkaysaan siday yihiin ayaan uga waramay.
Hadaba dawlada, golayaasha qaranka, culimaa’u-diinka iyo waxgaradka reer Somaliland waxaan u sheegayaa inay amuurtan murugsan ay wax ka qabtaan oo ay ka hortagaan dhibaato halkaa ka dhacda, waxana uu maayerku igula kacay cadaalad darro hor leh.

Aniga oo dulman ayaa weliba maayerku soo xidha uu yidhi oo gurigaygii iyo meel kasta la iga daydayayaa oo xataa ilaa Jananka bilayska la igu balamiyey in la I xidho.
 

Top