Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1504 | Aug.26, 2007 | |||||||||||
Madaxweyne Rayaale Oo Faahfaahin Kooban Ka Bixiyey
Safarkiisii Uu Ku Tegay Dalka Itoobiya Roobab Laxaad Leh Oo Xalay Maansheeyay Hargeysa Iyo Nawaaxigeeda Maxay Boorama Kala Soo Noqdeen Weftigii Cuslaa Ee Ka Socday Xukuumadda Ee Booqashada Ku Tegay? Farriin Ku Socota Siyaasiyiinta Somaliland Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal 100 Khabiiro Ameerikaan Ah Oo Sheegay In Maraykanku Ku Khasaarayo Ololaha La-Dagaalanka Argagixisada |
“Waxa Aanu Ka Wada Hadalnay Sidii Loo Horumarin Lahaa Hagaajinta Jidka Inoo Dhexeeya Inaga Iyo Itoobiya Ee Corridor”
“Sii Deynta Siyaasiyiinta Qaran Ma Rabo In Aan Faallo Ka Galo” Madaxweyne Rayaale oo ay weftigiisa ku wehelinayeen Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka Xuseen Kiiniyaati ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa shalay galab ku soo dhoweeyey koox wasiiro ah oo uu horkacayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo cutubyo ka tirsasn ciidanka qaranka Somaliland. Madaxweyne Rayaale ayaa shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada markii uu madaarka ka yimid kaga waramay arrimo la xidhiidha safarkooda iyo waxyaalaha ay ka wada hadleen kulamo dhexmaray iyaga iyo madaxda sare ee dalkaasi Itoobiya, ugu horeyna Madaxweyne Rayaale oo arimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Sidii aynu isku ogayn Itoobiya waxa aan ku maqnaa safar saddex maalmood qaatay, run ahaantiina marti-qaad bay ahayd, waxa aanu ka wada hadlaynay arimihii wasiiradu u tageen barigii dhoweyd oo ah ka shaqaynta wado isku xidha Itoobiya iyo dalkeena sida loo horumarinaayo, Caple isgaadhsiineed oo aanu mustaqbalka rabno in badda Berbera laga soo jiido, kaas oo dalka Itoobiya iyo shirkad Maraykan ahi ay isku xidhxidhayaan iyo guud ahaan mandaqada waxa jooga oo dhan xag nabadgelyo iyo xag kaleba. Markaa is afgarad fiican ayaan kaga imi”. Intaas ka dib, waxa
madaxweyne Rayaale la weydiiyey saddex su’aalood oo kala duwan, waxaanay u
dhaceen sidan:
Hargeysa, August 26, 2007 (Haatuf) – Roobab laxaad leh oo saacado badan da’ayay xalay maansheeyay magaalada Hargeysa iyo deegaanada ku wareegsan. Roobabkan oo ay ka dhasheen daadad xoog badan ayaa waxay buuxiyeen wadooyinkii iyo jidadkii xaafadaha isku xidhayay, kuwaasi oo sababay inay adkii isku socon kari waayeen, gaadiidka ayaa iyaguna xalay biyuhu kala xidheen. Dhinaca kale waxa ay daadad xoog lihi ku soo rogmadeen dooxa weyn ee magaalada Hargeysa, kaasi oo gabiyada marayay. Ilaa xalay saqdii dhexe wax khasaare ah oo ay roobashani geysteen lama sheegin, inkasta oo aanu ciidamada Bilayska xalay isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu wax uga weydiino bal inay jiraan wax khasaare ah oo ay roobashani geysteen ayaan noo suurto galin Telefoonadooda oo xidhnaa aawadood. Roobashan oo lahaa Onkod iyo hilaac xad dhaaf ah
ayaa cabsi galiyay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Hargeysa oo
habeenadii ugu dambeeyay ay roobashu si joogto ah uga da’ayeen.
Hargeysa, August 26, 2007 (Haatuf) - Ilaa horaantii bishan markii ay xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin xabsiga u taxaabtay hogaamiyayaasha urur siyaasadeedka Qaran waxa suuqyada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland la isla dhexmarayay warar sheegaya inay arrintaasi ku lug leedahay dawladda Itoobiya. Waxa kale oo iyaguna jiray ku tiri ku teen iyana lagu faafinayay meelaha dadku iskugu yimaadaan iyo xataa fagaarayaasha siyaasadaba, kuwaasi oo sheegayay in xukuumadda Somaliland damacsan tahay inay ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu cabudhiyo xoogaga mucaaradka ah ee ay loolanka adag ku jiraan xukuumadda Rayaale, haddiiba oo ay ololayaashooda sii xoojiyaan. Arrintani waxa ay sii xoogaysatay markii ay wasiiradda maaliyadda iyo Hawlaha Guud oo booqasho ku tegay Itoobiya la sheegay inay dawladda Itoobiya la soo qaadeen inay ciidamo u soo dirto Somaliland, haddii ay mucaaradku sii xoogaystaan. Shakiga laga qabo inay ciidamada Itoobiya u soo gudbaan gudaha Somaliland, waxa uu sii xoogaystay markii madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu booqasho ku tegay dalka Itoobiya uu safarkiisa ku weheliyay taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani. Inkasta oo ay wararkaasi jiraan, haddana weriyayaal ka tirsan Haatuf oo arrintaasi wax ka weydiiyay dawladda Itoobiya u jooga Somaliland, Ambassador Wubishet Demmisse ayaa sheegay in ay dawladiisu Somaliland ula macaamisho sida qaran jira, sidaasi darteedna aanay suurto gal ahayn inay farageliso arrimaha gudaha Somaliland. “Anagu Somaliland waxa aanu ula macaamilaa sida Qaran karaamadiisa, markaa ma jirto sabab aanu u faragelin karno arrimaha gudaha dal kale. Somaliland waa dal aanu jaarnahay oo aanu xidhiidh
saaxiibtinimo oo wax is-dhaafsi iyo walaaltinimo ku dhisan leenahay.
Xidhiidhka aanu la leenahay Somaliland-na maaha inuu ku kooban yahay oo
keli ah xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB oo keli ah, dadka
reer Somaliland-na iyaga ayaa doorta hogaankooda, ee annagu uma doorno,
UDUB-na maanta ayay hogaanka Somaliland haysaa, berina KULMIYE ama UCID
ayaa qaban kara, kii doona ee qabta annagu xidhiidhka iyo danaha aanu ka
leenahay Somaliland waanu kala xaajoonaynaa, UDUB iyo Rayaale oo keli ahna
maaha Somaliland, ee marka xisbiyadda siyaasadda, shacabka iyo dhammaan
qaybaheeda kala duwan ayaanu annagu xidhiidhka la leenahay. Laakiin marka
la leeyahay Daahir ayay Itoobiya ciidamo ku taageeraysaa, ama Wajaale iyo
xadka ciidamo Itoobiyaan ah ayaa yimid, waxa ay noqonaysaa oo lanaga
dhigayaa in aanu UDUB kelideed xidhiidh la leenahay, taasi maaha wax caqli
gal ah inaanu noqon in aanu xisbi ama qof keli ah Somaliland xidhiidh kala
yeelano (partisan), markaa annagu ma faragelinayno arrimaha gudaha
Somaliland, mana doonayno inay nabadgelyo darro ama wax u egi toona ka
dhacaan, sababta oo ah dantayada ayaa Somaliland ku xidhan, sida ay
teeduba noogu xidhan tahay, waxaana la yidhaahdaa jaarkaaga ma dooran
kartid, kii Ilaahay kaala jaar dhigo ayuun baad is-hurantihiin, Somaliland
iyo Itoobiya-na allaa isbaday inay jaar ahaadaan, waxaana loo baahan yahay
in ay marba cida maamulka labada ummadood gacanta ku haysaa ka taliso
sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa ee ay wax u wada qabsan lahaayeen”.
Warbixin -- Maxamed Cumar
Weftigan oo ka koobnaa in ka badan siddeed wasiir iyo labada Maayar ee
degmooyinka Hargeysa iyo Gabiley waxa intii ay joogeen Boorama kulamo
albaabadu u xidhan yihiin la lahaayeen qaar ka tirsan hoggaamiye
dhaqmeedyada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka kale ee ku nool Boorama. Labadii maalmood ee ay joogeen Boorama iyo kulanadii ay la yeesheen qaybaha dadweynaha gobolka Awdal, gaar ahaanna Boorama ayaa waxa saxaafadda uga warramay Wasiirka Arrimaha Gudaha. Isagoo shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Rays, waxaanu yidhi wasiirku: "Sifaha dawladnimadu maaha uun in Madaxdu Hargeysa joogaan sidaa darteedna waxa weeye in laga warhayo xaaladda dalka, waxaanan socdaalkayagu qayb uun ka yahay kormeerada aan gobolada kaleba ku tagno. Hawshayada waxa ku jirtay inay qayb ka noqoto arrintii ka dhalatay ciyaaraha, waxanan intii aan joognay la kulannay ciyaartoydii reer Awdal. Inkastoo wixii Hargeysa ka dhacay aanaan jeclaysan, isla markaana ay ka dambeeyeen dad ujeeddo siyaasadeed watay, haddana annaga iyo ciyaartoydu waan is calool xaadhannay. Wasiirka Qorsheynta oo ka mid ah weftigayganna waxa uu u socdaa inuu eego ama qorsheeyo wixii horumarin ah ee gobolku u baahan yahay." Haddaba markaad eegto hadalada quruxda badan ee uu sheegay wasiirka Arrimaha Guduhu iyo waxa ay Boorama u yimaaddeen weftigaasi ayaa ah mid la dareensan yahay inay aad u kala fogyihiin markaad eegto wakhtiga ay ku soo beegantay booqashada weftiga golaha wasiiradu; Waa tan koowaade weftigaasi waxa uu ku soo beegmay wakhti beel ka mid ah beelaha Samarroon shaaca ka qaadeen inay taageeradii kala noqdeen xukuumadda Rayaale, isla markaana ay ku biireen axsaabta mucaaradka. Waa tan labaade waxay ku soo beegmeen wakhti uu dhammaaday shirbeeleed ay tuulada Weeraar ku yeesheen ardaa ka mid ah ardaayada beesha J/Yoonis ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Rayaale, shir-beeleedkaas oo aan ilaa imika la sheegin waxa uu ku saabsanaa inkastoo loo ballansanaa shalay inay shaaca ka qaadaan qabanqaabiyeyaashiisu. Waa tan saddexaade wuxu weftigani ku soo beegmay wakhti Boorama ay joogto Marwada Madaxweyne Rayaale, waa tan shanaade waxay weftigani Boorama yimaaddeen wakhti mid ka mid ah wasiirada reer Awdal iska casilay xilkii uu ka hayey dawladda madaxweyne Rayaale, taas oo ay u dheerayd wakhti khilaafka dhulku Boorama uu gaadhay meel khatar ah, iyo iyadoo weli ay taagan tahay cadhadii ciyaartoydii reer Awdal kala yimaaddeen Hargeysa oo aan la ogeyn waxay samayn lahaayeen. Haddaba markaad eegto arrimahaasi, iyo wakhtiga booqshada Golaha wasiiradu ku joogeen Boorama ma isu dheelli-tiran yihiin? Weftigu markii ay soo gaadheen Boorama, way iskala qaybiyeen. Qaar Huteel Rays ayey shir kula yeesheen madax-dhaqmeedyadii iyo wagaradka reer Boorama, halkaas oo intii ku hadlaysay magaca reer Boorama sida la sheegeyo ay weftiga Wasiirka Arrimaha Gudaha u soo bandhigeen tabashadii, canaantii, dirirtii, iyo cadhadii reer Awdal u sheegan kari waayeen ama ay jaaniska ugu waayeen Madaxweyne Rayaale. Wasiirada in badan u dhabar adaygay canaanta iyo eedeymaha
madaxdhaqameedyada Boorama, ayaa ahaa labada wasiir ee Arrimaha Gudaha iyo
Duulista C/laahi Ismaaciil Cirro iyo Cali Warancadde, kuwaas oo cadhada
reer Boorama kaga jawaabayey deggenaansho, halka wasiirada reer Awdal
waxna maqnaayeen, waxna ay aamus ku dhammaysteen shirarkaasi. Labadan Wasiir ee ka soo jeeda degaanka Hargeysa, ayaa dhinaca kale waxgaradka reer Awdal kala hadlayey khatarta dawladda Somaliland kaga imanaysa mucaaradka, sidaa darteedna, waxay kulammo qarsoodi ah la lahaayeen shakhsiyaad iyo hoggaamiye-dhaqameedyo ka soo jeeda Beelaha Maxamed Case, kuwaas oo si cad ugu sheegay wasiirka Daakhiliga inaanay Dawladdu gudin abaalkii ay u soo mareen xukuumadda. Inkastoo aanay madax-dhaqmeedyadaasi wax dabacsanaan ah ka muujin mawqifkooda, balse waxay beddeleen luqaddii ama afkii ay kula hadli lahaayeen madaxda Reer Awdal ee ku jirta Dawladda, iyagoo ixtiraam dheeraad ah arrintaa ku siiyey labadaa wasiir. Ugu dambayntiina Hawsha wasiirada reer Hargeysa u arkayeen inay khuseyso ayaa ahaa arrinta ciyaartoyda, maadaama reer Boorama iyo ciyaartoydooduba u haysteen inay reer Hargeysa dembi ka galeen ciyaartoyda reer Awdal iyo gobolkaba, sidaa darteedna isa saamaxaadda labada dhinac muujiyeen ayaa wax weyn ka tari doonta arrimaha cawaaqibkoodu xumaan lahaa ee labadaa gobol ee jaarka ah soo kala dhex galay bishan bilowgeedii, iyadoo kulan ay masuuliyiintaasi la yeesheen ciyaartoydii gobolka Awdal, ay qaar ka mid ah ciyaartoydii dhaawacyadu ka soo gaadheen shiidkii Hargeysa loogu geystay u caddeeyeen weftiga in mar haddii masuuliyiintii dawladda u sarraysay u yimaaddeen, isla markaana ka garaabeen wixii dhacay inay masuul ka ahaayeen cid aan u tudhayn dalka iyo dadka labada gobolba, ay iska illoobi doonaan waxna iska beddeli doonin xidhiidhkii ciyaaraha ee u dhaxayn jiray guud ahaan gobolada Somaliland iyo reer Awdal. Waxa iyaduna xusid mudan Garoonka ciyaaraha Boorama oo la sheegeyo in dhismihiisa la bilaabayo balse cidda xilkaa qaadi doonta aan ilaa imika war laga hayn, sababtoo ah garoonkani wuxuu soo maray marxalado badan oo maalinba maalinta ka dambaysa qayb laga goosanayey oo la dhisanayey, maanta oo ay guuldarro kale soo gaadhay ciyaartoydii Awdal, koobna ka soo qaadi kari waayeen Hargeysa ayaa waxa arrinta garoonkaasi noqotay meel bugta oo daaweyn degdeg ah u baahan haddii kale boqollaal dhallinyaro ah oo reer Boorama ahi la bukoon doonaan. Hawl la sheegay inay dhagax-dhigid ahayd, iyo cagaf ka muuqatay garoonkaasi ayaa dhinacyo badani sheeganayaan inay garoonka dhismihiisa bilaabayaan. Waa tan koowaade qurbajoogga reer Awdal ayaa la ogaa inay lacag u ururiyeen dhismhiisa, waa tan labaad ee dawladda Hoose ayaa cagaf ku xadaynaysay, waa tan saddexaad ee shakhsiyaad ka socday dawladda ayaa iyagana la sheegayey inay sees dhigayeen, balse la ogaan doono cidda dhab ahaan ay daacad ka tahay dhismaha garoonkaasi. Marka laga reebo labadaa wasiir iyo wasiirka Qorsheynta, ilaa imika ma cadda, iyaguna ma sheegin, hawsha ay Boorama u joogeen maayarada Gabiley, Hargeysa iyo wasiirada uu hoggaaminayey wasiirka Arrimaha Guduhu ee aan goobjoogga ka ahayn wada hadaladii adkaa ee dhex maray qaybo ka tirsan dadweynaha Boorama iyo qaybtaa ka mid ahayd wasiirada booqashada ku yimi ee ay ku dhacaysay cadhada dadweynaha Boorama iyo tabashooyinka aanay waxba ka qaban karayn ee buux-dhaafiyey xusuus-qorada wasiiradaasi dib ugula soo noqdeen Hargeysa.
Qore…………A. Goth Muranka iyo is riix riixa siyaasadeed oo aan sal-dhig fiican lahayn iyo mu’aamaraadka lagu raadinayo sidii madaxa la isugu dhufan lahaa shacab weynaha reer Awdal, ayaa dhaliyey in loollan qabiil iyo siyaasado hor lihi ka bilaabmaan mandiqaddaasi. Waxana fajac iyo layaab igu noqday in aan arrimahaasi iyo warar kale oo la nooc ah kala kulmo saxaafadaha Somaliland. Sidaasi daraaddeed ayaan farriintan ugu dirayaa siyaasiyiinta reer Awdal ee mas’uulka ka ah walaaqaa iyo jahawareerkaasi soo food saaray shacbi weynaha dega gobolkaasi. Qaskaa iyo oo dad gaar ahi ay ka maleegayaan gudaha Somaliland iyo dibaddaba. Ayaa si shakhsi ah ii hor-yimid, iyada oo la moodayo in aan la fakir ahay siyaasiyiinta hunguri-u-dirirka ah, ee aan danta ka lahayn midnimada ummaddooda iyo horumarkoodaba. Waxanan ka soo horjeedaa fal kasta oo lagu furfurayo wadajirka ummadda ku dhaqan gobolka Awdal ee aan ka soo jeedo. Waxgaradka jiilkasta leh ee reer Awdalla waxan u soo jeedinayaa in ay u istaagaan midnimadooda iyo horumarka dalkooda. Isla markaana ay ka fogaadaan siyaasadaha beenta ah ee aan salka lahayn, isla markaana u adeegaya cadawgooda habeen iyo dharaar ka fekeraya sidii ay u dhex dhigi lahaayeen dab iyo colaad, si ay u kala firdhiyaan. Oo ay dabadeedna u gumeeyaan. Noqonse mayso, Awdaliyankuna waxa ay dib ugu noqon doonaan sooyaalkoodii dahabiga ahaa, ee ay weligoodba kaga badbaadi jireen dabinnada loo qoolayo. Reer Awdal waxa ay ahaayeen, immikana yihiin shacab dun fiican leh, ka fogaada in ay xumaan iyo wax la mid ah faraha la galaan. Waxa kale oo ay ahaayeen tusaale fiican oo lagu daydo, saaxiib fiican oo caqli badan. Iyo weliba jaar fiican oo ummadaha la deggeni ay ku qaddariyaan dadnimadooda iyo wanaaggooda. Colaad way soo arkeen, nabaddana way xeeriyaan. Cad quudheedna waxa ay ka jecel yihiin gaajada. Maantase waxa ay taladoodii u gacan gashay dad aan talin jirin, mid ku soo tababartay iimaan la’aan iyo mid immika ku jira Jaamacadda qabiilka oo ilaah garashadii ka qaaday. Wakhtigii laga tashanayey ayaana immika taagan. Si kastaba arrini ha ahaatee, waxa ay fartu
ku godan tahay qab-qablayaasha siyaasadeed, ee dhuuni raaca ah, dantana
aan u hayn bulsho-weynta ka soo jeedda degaannada Awdal.
Qab-qablayaashaasi oo baryahan dambe seefaha galka ugala baxay sidii ay
waax waax u googoyn lahaayeen shacabkooda, si ay sharaf iyo karaamo uga
helaan siyaasiyiinta xag jirka ah ee weligoodba ku taamayey sidii ay u
bur-burin lahaayeen wada jirka iyo xoogga Awdaliyiinta.. Siyaasiga u dhashay Awdal ee loo hanweynaa, loona arkayey
amhinka reer Awdal, ayaan is weydiiyey waxa ku kallifay in uu qaybiyo
ummaddiisii. Taasi oo kale ma waxa ay u egaan kartaa in uu mansab kaga
doonayo rag la mid ah oo uu la tartami karo ammaba ka badin karo. U malayn
maayo in uu nin reer Awdal ahi sidaa dadkiisa kaga heli karo tiqad iyo
mansab. Dhaqanka noocaasi ah ee uu wax ku raadsanayaana maaha mid ay reer
Awdal lahaayeen amma leeyihiin. Dadkii iyo dalkii ay siyaasadda u matilayeenna waxa ay ula soo hoydeen qaybi oo xukun, dhaqan xumo iyo qabyaalad ay shacabkii ku kala qaybinayaan. Sheekooyinkooda faraha badanina waxa ay ummaddii ku keentay jahawareer. Tusaale ahaan, siyaasiyiintaa qaar ka mid ah ayaa fadhiyo kaga sheekeeyey sida: Makaahiil (waa Makaahiilka Samarroon ) waxa aan la
mataanaynay Gar-xajis, iyada oo aan weliba culayska saarayno Habar Yoonis,
waayo sideenneey badan yihiin, hadhawna doorashada cid walba waan ka
badanaynaa……. Maxaad Casana waxa aan la mataanaynay Habar Jeclo, waayo
haddii uu Siillaanyo soo baxo si ay ku xiggeenka aan u hello. Inkastoo
Bahabar Muusadu ay dhinac uga socoto. Tiro ahaanna wey badin karaan. Adan
Madoobaha uu Siillaanyo ka soo jeedana xidhiidh taariikheed ayaaba innaga
dhexeeya. Reer Nuurkuna waxa uu ku tashaday in uu la mataanoobo Habarawal
iyo Ciida Gale. Runtiina maannu jeclaysan in uu naga baydho, waayo waa
reer aad u tiro badan aqoon yahanno fara badanna leh aadna isugu duuban,
laakiin aad ayey isku dhex galaan Habarawasha oo ay isku dhalaan, Jibriil
Yooniska qayb ka mid ah ayaana la fakir ah.….Makaahiilka kale iyo
Garxajiska oo is raacaana way barbarraynayaan ammaba ka badanayaan……Habar
Cafaanta oo xoog iyo tiroba sheegatayna waxa aan wadnaa in ay meelo badan
buuxiso, oo aan dhinac kaliya la wada raacin, waayo waa niman aad u
siyaasad badan, waxanay leeyihiin muddakar taladooda lagu meel maro. Runtii mabay xumaateen
haddii la is dhexgalo, qabyaaladdana la yara fududeeyo. Balse akhristow ma
u aragtaa in siyaabaha noocaasi ahi ay xal keeni karaan Laakiin kolleyba
sheekooyinka noocan ahi waa kuwo aan sal lahayn, si xun u sheegguna uu ku
sawirayo ummadda.
Garowe, August 26, 2007 (W. Wararka) - Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cadde Musse sheegay inay jiraan kooxo ku hawlan burburinta maamul-goboleedka uu madaxda ka yahay ee Puntland, isla markaana waxa uu Cadde Muuse sheegay inaanu meel-mar noqon doonin sharci shidaal qodis oo aanay wax ka ogeyn. Cadde Muuse oo wareysigiisa kaga hadlayey xaalada Amniga ee maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay in hadda xaalka amniga uu yahay mid degan isla markaana xoogga saareen sidii gobolada Puntland uga badbaadi lahaayeen burburka ku yimid Soomaaliya. Cadde Musse ayaa sheegay in hadda ay jiraan kooxo la shaqeeya Maxaakiimtii laga awood roonaaday, kuwaas oo uu sheegay in ay isku magacaabeen Diin, isla markaana isku dayey inay khalkhal ku abuuraan Puntland. Wuxuuna intaasi raaciyey in ay jiraan Ganacsato waaweyn oo ka soo jeeda Puntland oo ragaasi dabada ka wada. Cadde Muuse waxa uu sheegay in ay ka guuleysteen kooxahaasi iyagoo kaashanaya Bileyska iyo Shacabweynaha, wuxuuna ku nuux nuuxsaday in aanay fursad u siin doonin inay wax khal khal ah abuuraan kooxahaasi doonaya in ay burburiyaan Puntland. Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay kooxo dibadda laga soo diray oo ka qeyb qaatay dagaaladii Alitixaadka, kuwaasi oo ay ka hortageen. isagoo sheegay in maqaar saar laga soo dhigtay dad ka soo jeeda Puntland. Cadde Muuse ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka soo dhex galay Maamul-goboleedka Puntland iyo Dawladda Mbagathi ee la xidhiidha sharciga cusub ee dawladda Mbagathi rabto in lagu soo rogo dhinaca heshiisyada soo saarida Shidaalka. Cadde Muuse waxa uu sheegay in la xaliyey khilaafkii horey u jiray xiligii uu Cabdillaahi Yuusuf ka tegay Puntland. Cadde Musse ayaa sheegay in ay heshiis wada galeen dawladda Mbagathi, isla markaana heshiisyadaas ay hore u wada galeen Puntland ay sidoodii u jiri doonaan. “Arrinta "già" (mar hore) ayaanu heshiis anaga iyo dawladda (Mbagathi) ka gaadhney, annagu Dawlada Mbagathi waanu aaminsanahay, laakiin waxa ay Puntland leedahay iyada ayaa dhamaystiraneysa, heshiisyadii ay hore u gashay weligood waa jirayaan, annaga shaqadayadu ma aha shaqo hadda laga wada hadlayo (negotiation), waa shaqo (già) bilaabaneysa, hadda waxaa la geli doonaa qoditaankii iyo shaqadii, intii shirkadood ee aan heshiiska la galay sidoodii ayey u soconayaan, Dawladda Mbagathi-na badi waa u sheegnaa halka iyo meesha ay mareyso” ayuu yidhi Cadde Muuse. Mar la weydiiyay hogaamiyaha maamul-goboleedka Puntland inay dawladda Mbagathi heshiis ku yihiin arrinta qodista shidaalka, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: “waan ku nahay, maxaanu kula ahaan weyney, annagaa leh go'aanka, aniga ayaa hadda la ii doortay, baarlamaankii ayaa jooga, wasaaradii ayaa joogta, Dowladda Federaalkana heshiis baanu ku nahay.” “Imika Baarlamaanka Dawladda Mbagathi waxay u fadhiyaan oo ay ka wada hadlayaan shuruuc cusub oo ku saabsan heshiisyada ay maamul goboleedyadu la galaan shirkadaha taas oo kale markaa miyaa la odhan karaa waad heshiiseen?” ayaa haddana la weydiiyay Cadde Muuse, waxaanu taas kaga jawaabay oo uu yidhi: “Mayee iyagu kan ay keenaan markay keenaan annagana dad ayaa noogu jiraya, annaguna wax ayaanu xaq u leenahay, hadday meel-mariyaan wax [sharci] aanaan ogeyn iyaga ayey jirtaa." Waxa kale oo la weydiiyay ninka madaxda ka ah maamul-goboleedka Puntland “Haddii Cadde Muuse ay dawladda [Mbagathi] ku adkaysato in aydinaan cid heshiis la geli karin, maxaa idinla gudboon?” waxaanu taas kaga jawaabay “Salaad la arko waqtigeeda ayaa la tukadaa. Markaas ayaa go'aankayaga maqli doontaan." Ugu dambayntii waxa Cadde Muuse la weydiiyay su’aal ahayd “Malaga yaabaa faragelinta ay dawladda Mbagathi idinku hayso inay idinku kallifto in aad kalsoonida kala noqotaan” waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: "Ma dhacayso oo waxaa jira midnimada Soomaaliya waa muqadas.. Puntlandna waa hayneysaa."
Washington, August 26, 2007 (W. Wararka) – Wargeyska caanka ee la yidhaahdo “Foreign policy” oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa waxa uu ku soo bandhigay warbixin sanadeedkiisii saddexaad in inta badan khubarada ku takhasustay ammaanka guud ee dalka Maraykanka ay isku wada raaceen in dawladda Maraykanku ay ku khasaarayso dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeedho Argagixisada caalamiga ah, isla markaana waxaa warbixintaas lagu sheegay inay dalal ay u horeeyaan Pakistan, Ciraaq iyo Somalia qarka u saaran yihiin inay marxaladaha soo socda xarumo waaweyn u noqdaan ururka Al-Qaacida. Wargeyskan oo soo ururiyay fikradaha 100 khabiir oo ku takhasusay dhinaca amniga guud ee dalka Maraykanka, isla markaana ay ka mid yihiin 80 khabiir oo hore jagooyin sare uga soo qabtay dalka Maraykanka, kuwaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay meelo ay ka mid yihiin Wasaarada Difaaca, Wakaaladaha Mukhaabaraatka, la-taliyeyaal Madaxweyne, talisyada ciidamada Maraykanka, iwm. Sida uu wargeysku sheegay waxay khubaradani waxay sheegeen in 91% ay aaminsan yihiin in dunida aynu ku noolnahay ay noqotay mid aad ugu halis badan dawladda Maraykanka iyo shicibkeedaba, halka warbixin-sannadeedkii hore ee wargeysku qiyaastaas ku sheegay inay ahayd 10%. Sidoo kale 84% fikradaha khubaradani ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in Maraykanku aanu ku guulaysan doonin ololaha la-dagaalanka argagixisada ee uu wado, taas oo warbixin-sanadeedkiisii sannadkii hore wargeysku ku tilmaamay inay tahay 6%, waxaanay intaas raaciyeen in 80% ay qabaan khubaradaasi in dalka Maraykanka uu ku soo fool leeyahay weerar argagixiso oo la mid ah kii lala beegsaday 11-September magaalooyinka New York iyo Washington. Waxa kale oo ay khubaradani fikradahooda ka dhiibteen waxa uu ku dambayn doono xaalka wadamo ay ka mid yihiin Pakistan, Ciraaq iyo Somalia, kuwaas oo uu inta badan Maraykanku ku tilmaamo meelo ay xarumo ku leeyihiin ururka Al-Qaacida. 35% khubaradani waxay sheegeen inay qabaan in dalka Pakistan uu noqon doono saldhig uu ka talin doono ururka Al-Qaacida, halka 11% khubaradani iyagu sheegeen in Somalia ay noqon doonto xarunta uu ka arimin doono ururka Al-Qaacida, sidoo kalena 27% ka mid ah khubaradani iyaguna waxay xarunta ururka Al-Qaacida ku tilmaameen inay doonto dalka Ciraaq, halka ay 2% khubaradani ku tilmaameen inay xarunta Al-Qaacida noqon doonto wadamo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Turkiga, Suuriya iyo Iiraan.
Berbera, August 26, 2007 (Haatuf) - Xil. Cabdale Jaamac Guuleed (Cabdalle Kidaare) oo ah mudane katirsan Golaha Degaanka Degmada Berbera isla markaana Xubin ka ah Gudi hoosaadka Arimaha Nabad-gelyada ee Golahaasi ayaa si kulul ugu dhaliilay Gudoomiyaha Golaha Degaanka ee Degmadaasi Berbera in aanu u hagar bixin habsami u xalinta arimaha amaandaro ee soo wajaha Degaanka Degmada Berbera, isagoo xil. Cabdale kidaare sigaar ahna farta ugu fiiqay shaqaaqada kasoo noq-noqotay jiida, Batalaale ee Bariga Magaalada Berbera, taasoo uu xusay inay dhamaan lahayd hadii uu golahoodu ka qaadan lahaa doorkii uu ku lahaa arimaha Keenay daba filiqda ee sababay in markale ay aagaasi kasoo cusboonaato xaalad nabadgelyo daro. Xil. Cabdale Kidaare oo habeenkii xalay
khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Haatuf ayaa waxa uu intaasi raaciyey
in Mayor Siciid Daa,uud hormuud ka ahaa gudi uu sheegay inay barbar
guranaysay wasiirka waxbarashada, suldaanka iyo waxgaradka kale ee beesha
Reer Sahal iyo Gaashaan buurtooda ee iyagu ku hawlanaa furdaaminta
dablayda Aaga Batalaale isku urursaday ee ay odayaasha u yihiin, Gudigan
oo uu ku tilmaamay xildhibaanku mid carqalad iyo dhabarjebin ku noqotay
odayaasha beesha ay inamadu kasoo jeedeen taasoo uu sheegay inay
abaabulkeeda Lahaayeen Badhasaabka iyo Meyorku isla markaana ay Balanqaado
siiyeen wixii howshaasi ku baxaaya inay Bixin doonaan, halkii ay ka ahayd
buu yidhi Xil.cabdale in ay is dhinac taagaan oo Suldaanka Beesha iyo
wasiirka iyo odayaasha beesha ee Berbera u yimi wax ka qabashada
inamadaasi Dableyda ah, arimahaa iyo kuwa kaleba waxa uu ku tilmaamay inay
markhaati yihiin u dhibirsami darida Meyorka ee la xidhiidha hawlaha
degmada kalasoo dersa dhinaca nabadgelyada, isagoo arimahaa ka hadlayana
waxa uu hadalkiisa ku Bilaabay Xil. Cabdale Jaamac:-
Hargeysa, August 26, 2007 (Haatuf) – Saaka
waxa la filayaa inuu xarunta golaha Wakiilada ka furmo Kalfadhi aan caadi
ahayn oo ay isugu yimaadaan Mudaneyaasha golaha Wakiilada, iyagoo ka
jawaabaya yeedhmadii uu Madaxweyne Rayaale isugu yeedhay golaha Wakiilada. Labada xubnood ee Komishanka loo doonayo oo kala ah Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine) iyo Muuse Madoobe, waxa si weyn dabada uga riixaya Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa, iyadoo uu Madaxweyne Rayaale hore nidar ugu galay inuu labadaa nin sandule kaga ansixiyo golaha Wakiilada, isagoo diiday in la soo bedelo kadib markii ay waayeen tiqadii golaha Wakiilada, sidaas darteedna 24kii saacadood ee ina dhaafay waxaa caasimadda Hargeysa ka socday kaambayn culus oo lagu baadi-doonayo sidii labadaa nin codad ku filan loogaga heli lahaa golaha Wakiilada, waxaana kaambaynkaas iska kaashanayay golaha xukuumadda iyo kooxo mudaneyaal ah oo daacad u ah Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa. Madaxweyne Rayaale oo muddo saddex maalmood ah safar ugu maqnaa Itoobiya, waxa uu dalka dib ugu soo laabtay gelinkii dambe ee shalay, kadibna markii uu Madaxtooyada cagaha soo dhigay waxa uu markiiba si degdeg ah isugu yeedhay xubnaha golihiisa wasiirada iyo mudaneyaasha daacadda u ah, waxaana laga tashaday sida loo dagaal gelayo. Madaxweyne Rayaale iyo raggiisu markii ay iska xog-wareysteen halka xaaladdu marayso waxa la gudoonsaday in la qaado weerar cir iyo dhul ah oo cod loogu raadinayo labada nin, sidaas darteedna ugu horeyn Madaxweyne Rayaale wuxuu furay kiishada, wuxuuna kooxaha dagaalka qaadaya jeebabka ugu ridday xidhmooyin lacag ah oo ay ku dagaal-galaan, kadibna kooxaha wasiirada iyo mudaneyaasha isugu jiraa waxay weerar galaa-bixiyeen magaalada Hargeysa, si ay u gacan-togaaleeyaan ragga mudaneyaasha ah ee aan gacanta ugu jirin. Kooxo weriyeyaal ah oo dusha kala socday dhaqdhaqaaqa iyo ololaha xukuumadda ayaa sheegay inay hoteelada waaweyn ee lagu caweeyo sida Maansoor iyo meelo kale ku arkayeen raxan wasiiro ah iyo xubno mudaneyaal ah oo sacabada ku haya xidhmooyin lacag ah, waxayna wasiirada iyo kooxaha la socdaa meelahaa ka ugaadhsanayeen ragga mudaneyaasha ah oo ay doonayeen inay waxoogaa lacag ah sacabka u saaraan, una yidhaahdaan codka na sii. Gulufka xukuumaddu waxa uu socday ilaa waa-soo-dhawaadkii xalay, waxayna labada col ee qolana duulaanka tahay, qolana lagu duulaanka yahay isha isku qac-siiyeen marar dhawr ah, halkaas oo weerar iyo difaac jilib-dhig ah laysu baaciyay. Marka laga yimaado gulufka ay qaadeen xukuumadda iyo kooxaha weheliyaa, dhinaca kalena waxay warar xog-ogaal ahi tibaaxeen inay mudaneyaasha ka soo horjeeda qorshaha xukuumadda, iyaguna difaac adag oo aanay dhufayska uga bixin kaga jawaabeen weerarka huwanta [Xukuumadda iyo kooxaha Mudaneyaasha ah]. Marka la eego maalmihii ina dhaafay waxay maamulayaasha xukuumadda iyo kooxaha Mudaneyaasha ah ee daacadda u ah Madaxweyne Rayaale ku sayaxayeen inay codad aqlabiyad ah ku meel-marin doonaan labada xubnood ee uu Madaxweyne Rayaale dhabta ku hayo. Hase yeeshee warar xog-ogaal ah oo soo baxay gelinkii dambe ee shalay ayaa beeniyay sheekada caynkaas ah, waxaana la saadaalinayaa inay aqlabiyad xoog leh oo Mudaneyaal ahi ganafka ku dhufan doonaan ansixinta labada xubnood ee uu tuurta ku siddo Madaxweyne Rayaale, taas oo ay wararka qaarkood farta ku fiiqayaan inuu walaac weyni soo food-saaray xulafadda xukuumadda iyo kooxaha Mudaneyaasha ah, taasi waata keentay weerarka culus ee ay saacadihii ina dhaafay gaalaabixiyeen xukuumadda iyo taageerayaasheedu. Inkasta oo ay 24-kii saacadood ee ina dhaafay aanay xukuumadda iyo taageerayaasheedu mar qudha badhida dhigin ee ay guclo ugu jireen sidii ay hilbo ugala hadhi lahaayeen kooxaha Mudaneyaasha ah ee ka soo horjeeda qorshaha xukuumadda, haddana ilaa hadda wararku ma sheegin natiijo la taaban karo oo laga gaadhay arrintaas. Waayo, ragga mudaneyaasha ah ee arrintan ka soo horjeedaa waxa la sheegay inay si weyn garabka isu saareen, ayna adag tahay in hawl-yari looga dhex dusaa. Laakiin waxay warar xog-ogaal ahi farta ku fiiqayaan in haddii ay xukuumaddu u aragto inaanay codad ku filan ka helayn golaha dhexdiisa ay qaadi doonto tallaabooyin kale sida inay buuq iyo sawaxan ka dhex kiciso madasha fadhigga iyadoo la isticmaalayo kooxo Mudaneyaal ah oo laga soo abaabulay dhinaca Madaxtooyada. Waxa kale oo dhici karta in carqalado la geliyo habsami u furmida kalfadhiga, sida kooramka oo lala dagaalamo iyo wixii la mid ah. Toddobaadkii ina dhaafay ayay guddi madax banaan oo dadweyne ah isu xil-saareen inay dhexdhexaadiyaan khilaafkii cakirnaa ee u dhaxeeyay Madaxweyne Rayaale iyo Golaha Wakiilada, waxaanay guddidaasi geba-gebadii hawl-galkooda soo saareen go’aamo saddex qoddob ah, oo laba qoddob oo ka mid ah la faray inuu Madaxweyne Rayaale fuliyo, kuwaas oo kala ah; inuu dhaqan-geliyo Miisaaniyadda 2007 ee uu muddada dheer hor-taagnaa iyo inuu xoriyadoodii u celiyo xabsigana ka sii daayo hoggaamiyeyaasha urur-siyaasadeedka QARAN, laakiin Madaxweyne Rayaale ilaa hadda labadaa go’aan midna ma fulin. Sidoo kale, waxa golaha Wakiilada lagu xukumay inay cod u qaadaan labada xubnood ee Komishanka ee ay hore u diideen, taas oo ay shirgudoonka Golaha Wakiiladu hore ugu dhawaaqeen inay qaateen go’aankaas oo ay labada xubnood horgeyn doonaan Mudaneyaasha golaha Wakiilada si ay cod ugu qaadaan oo ay u ansixiyaan ama u diidaan. Sidaas awgeed marka uu furmo kalfadhiga aan caadiga ahayn ee golaha Wakiilada waxa looga fadhiyaa inay fuliyaan wixii lagu xukumay oo ah inay cod u qaadaan labadaa xubnood oo ay ansixiyaan ama diidaan, haddii ay sidaas yeelaana wixii lagu xukumay dhinacooda wuu ka dhamaaday. Sidoo kale Madaxweyne Rayaale waxaa looga fadhiyaa waxyaalihii lagu xukumay. Laakiin warar laysla dhexmarayay maalmihii ina dhaafay ayaa tibaaxaya inuu Madaxweyne Rayaale ku taamayo inaanu fulin doonin waxyaalihii lagu xukumay haddii ay golaha Wakiiladu ansixin waayaan labada xubnood ee komishanka loo doonayo, balse marka la eego go’aanka guddida dhexdhexaadinta waxa uu dhigayaa waa inay golaha Wakiiladu cod u qaadaan labada xubnood ee guddidu ma odhan gar iyo gar-daraba ansixiya. Waxaynuse ka war-sugaynaa sida ay labadaa xubnood uga calaf-qaadaan golaha Wakiilada iyo sida ay guddida dhexdhexaadintu u daadihiyaan meel-marinta go’aamadii ay soo saareen.
Waa Sheeko Xambaarasan Farxad, Murugo Iyo
Waayo Kala Duwan Waxay sidaa ahaataba Luul dhanka
waxbarashada waxa ay ku noqotay qof u heellan oo maskaxdeedu u furan tahay,
Qur’aanka iyo Far-Soomaaliga gurigaa loogu dhigaa. galinka dambana
madarasad xaafada u dhow ayay waxbarasho u tagtaa marka ay ka soo baxdana
guriga ayay toos u timaadaa oo hawsha guriga inta ku aadan ay qabataa isla
markaana Cumar iyo Sahra aad bay u jecel yihiin Luul oo akhlaaqda,
dabeecad wanaaga iyo wax-qabadkeeda fiican ayaa keenay taas, Cumar waxayba
u tahay sidii ubadkiisii oo kale. Saynab guriga ayay mar-mar ugu timaadaa
oo casharada Luul ay madarasada ku soo qaadato ayay sii fahamsiisaa
saaxiibadeed, waana laba gabdhood oo aad isku jecel oo yuhuuntoodu is-ogosha-hay,
haddii aanay maalin is-arag mid kastaaba ta kale way tabtaa, oo si wayne
ayay isugu xidhan yihiin, Sahra ayaa hadalo ku tuurtuurta oo tidhaahda
“labadiina ayaa is-la-soo doontay ilayn shimbirba shimbirkiisa ayuu la
duulaaye waa-tii hore loo yidhi’e”. Ilaa markay magaalada timid Luul Haybe iyo wixii ka dambeeyeyba marka ay indhaha ka qaado gabadh dhar khafiifa gashan oo socota waddooyinka ayay is-weydiisaa, maxaa tollow dumarka noocan ah, ee ay la gudboonayd inay xishoodaan oo dhar asturan gashadaan, maxaa ku kelifay sidan? ilayn waatan oo inan-rag bay dhex socdaane mise sidanay qurux moodayaan, ka bacdina Saynab ayaa u sheegta in magaalada waxyaabo aad la yaabto oon hore loo arag aad ku arkayso, oo waa inantii heestay tidhi “Aduunyooy Filimo badan”. Luul weli si toosa ugumay milmin aarimaha magaalada aan ahayn dhinaca wanaaga, waxayse weli si adag u xejisataa oo ku dhegan tahay dhaqanka wanaagsan ee ay haystaan dumar fara-badani . Cumar sida uu qorshihiisu yahay waxa uu ku noqonayaa dhulka carabta ee uu ka shaqayn jiray oo waa xoogsi tagayaa, dhismihii Cisbitaalka ee uu dhisayayna waa socdaa oo nin odaya ayaa uu qandaraas ku siiyey dhismaha, ka bacdi Cumar waxa uu goostay inuu saadambe ka ambabaxo magaalada, waxana uu la sii dardaarmay haweenaydiisii Sahra oo ku yidhi “Sahraay anigu waan tagayaa waxanan ku farayaa in inantaa Luul Haybe ee hawshii guriga kaala shaqaysaa ay tahay shaqsi dhawrsoon oo dabeecad wanaagsan markaa hadal xun weligaa ha ku odhan oo inantaa ha inaga eryin, waxanad tustaa inaynu u han-weyn-nahay, haddii ay kaa tagto qof iyada la mida heli maysid ee sidaa ula soco iyadu waa ubadkeena oo kale’e, aniguna marka aan dhoofo dhar iyo kabo iyo iwm- ayaan u soo diri oo kolba waxa aan idiin soo diro ayaan u soo raacin doonaa. Intaa ka bacdi Sahra waxay Cumar ku tidhi “Cumarow waa-yahay, aqbalay hadalkaaga waana igu waajib inaan yeelaa, ma anigaaba heli kara tu-la mida oo horena iimay soo marin, markaa Luul qalbiga ayay igaga taal oo waan ku nastay, tan Ilaahay ha daayee, aniguna waxba kala hadhi maayo waxbarashadana waan u sii kordhin doonaa oo durba waa-taas oo meel fiican ayay maraysaa haday noqoto qur’aanka, far-Soomaaliga, xisaabta oo wax-fahamkeedaa aad u sareeya, oo halka ay garan weydo ee ku yara adkaata way I weydiisaa ka dibna waan u sheegaa, Cumarow sii deyn maayo’e gacantaan ku haynaynaa Ilaa inta Ilaahay calafkeeda u keenayo ee meel roon ay marayso”. Intaa dabadeed Cumar waxa uu Luul u sheegay in inuu dhoofayo oo tagayo dhanka carabta kolkaa waxa uu ku yidhi “adeer Luuleey waa-kaa gurigiiniiye joog oo meel kale ha tegi, aniguna marka aan reerka wax u soo dirayaba adna dharka iyo wixii aad u baahato-ba waan kuu soo dirayaaye markaa adeer waa inoo sidaa, gurigayga meel kuu dhaanta helimaysid ee waa-ku-kaa. Cumar aroortii uu baxayey tagsi baa guriga ugu yimi oo shandadii dharka iyo alaab uu u sii qaadayay asxaabtii halkaa uu tagayey deganayd, ka bacdi Sahra ayaa tidhi “Luuleey ina-mari maanta Adeerkaa Cumar baynu u sii dhoweynaynaa Airport-kana waan ku soo tusayaaye”, Luul markaasay tidhi Airport-ku muxuu yahay ka dib Sara ayaa hadana ku tidhi “ waa meesha dayuuraduhu ka duulaan soona fadhiistaan, oo waa gegida dayuuradaha meel kale ma fadhiistaan, waana meel loogu tala galay inay soo caga dhigtaan. |