Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1511 Sep.3, 2007

Wasiiro Somaliland Oo Booqasho Aan La Shaacin Ku Jooga Imaaraadka Carabta Iyo Dareenka Ku Xeeran Ujeedada Socdaalkooda

“Anigu Wax Xil Ah Oo Aan Ka Hayay Maamulka Puntland Ma Jirto, Laakiin Shaqooyin Private Ah Waan Ka Qabtay, Golaha Wakiiladuna Wuu U Madax Banaan Yahay Go’aankiisa”
Xasan Maxamed Cumar (Looshade)

“Wax Khilaaf Ah Oo Xisbiga KULMIYE Ka Dhex-Taagani Ma Jiro, Ee Qolooyinkii Hore Ugu Jiray Iyo Kuwa Ku Soo Biiray Ayaa Mid Kastaa Doonayaa Inuu Ergada Shirweynaha Ka Mid Noqdo”
Axmed Siillaanyo – Gudoomiyaha KULMIYE

Suldaan Ka Mid Salaadiinta Beelaha Maxamed Case Oo Beeniyey War Ku Saabsanaa Inuu Kulan La Yeeshay Siyaasiyiin Iyo Wasiirro Ka Tisan Xukuumadda Rayaale

Gaadhi Surf Ah Oo Xalay Daad Ku Qaaday Dooxa Hargeysa

KALA MAAN

Dawladda Mbagathi oo Ka Noqotay Go’aankii Ay Ku Joojisay Duulimaadyadii Diyaaradaha Ee U Dhexeeyay Somaliland Iyo Somalia

Dibu Habaynta Madaarka Hargeysa, Rafaadka Qurbojooga Iyo Tacadiga Ciidanka Amaanka Ee Madaarka

Madaxweyne Rayaale Oo La Filayo Inuu Maanta Soo Saaro Go’aanka Siideynta Masuuliyiinta Ururka QARAN

Golaha Wakiilada Oo Maanta Cod U Qaadaya Ansixinta Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ka Dhiman


Wasiiro Somaliland Oo Booqasho Aan La Shaacin Ku Jooga Imaaraadka Carabta Iyo Dareenka Ku Xeeran Ujeedada Socdaalkooda

Dubai, September 3, 2007 (Haatuf) – Wasiiradda Madaxtooyada iyo Macdanta iyo Biyaha, Nuur Aamin iyo Qaasim Sheekh Yuusuf ayaa booqasho ku tegay dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta 28/08/2007.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogayn ujeedada safarka labadan wasiir, haddana sida uu Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf u sheegay maxadada wararka lagu baahiyo ee Awdal News, waxay daba socdeen xidhiidh hore u jiray.

“Socdaalkani wuxuu daba socday xidhiidh hore oo jiray oo mar kala go’ay, ka dib markii ninkii xidhiidhinayay oo Masri ahaa iyo nin Somaliland u dhashay ay shil baabuur ku dhaawacmeen inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera”. Ayuu yidhi, Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu isaga oo Awdal News uga waramaya ujeedada safarkooda, waxaanu intaasi raaciyay inay dalka Imaaraadka ugu soo safreen Baasaaboorka Somaliland, waxaanu yidhi. “waxaanu raadinaynay albaab aan ka galno wadamada Carabta”.

Wasiiradu waxa 31/08/ 2007, qado ugu sameeyay Hoteelka Millenium ee Shaariqa xubno ka tirsan Jaaliyadda Somaliland, waxaanay u sheegeen inay Sheekha Rasal Khaymah kala hadleen xidhiidhka Imaaradiisa iyo Somaliland, isla markaana uga mahad celiyeen casuumad ay sheegeen inuu u fidiyay.
Waxa kale oo ay sheegeen in wefti ka socda dalka Imaaraada Rasal Khaymah ay Somaliland iman doonaan bisha Barakaysan ee Ramadaan ka hor ama ka dib, marti qaadna u fidin doonaan safar uu madaxweynaha Somaliland ku tago Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu waxa kale oo uu Awdal News u sheegay inay weftigiisu kala hadleen Sheekha Rasal Khaymaha xidhiidhka ganacsiga, isaga oo sheegay inay jirto inay danaynayaan dhinaca macdanta Somaliland, balse arrintaa ay kala xaajoon doonaan weftiga ay Somaliland u soo diri doonaan marka ay arkaan wadanka Somaliland iyo khayraadkiisa.
Sidoo kale, warar aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoon yahay, labada Wasiir waxa kale oo ay Rasal Khaymah kula kulmeen qolyo dilaala heshiisyada macdanta iyo saliida ee ay shirkadaha iyo wadamadu wada galaan.

Xukuumadda Somaliland iyo labada wasiir midkoodna wax war ah kama soo saarin ujeedada rasmiga ah ee weftigan iyo waxa ay halkaasi geeyeen, marka laga reebo hadalka yar ee kooban ee wasiirka Macdanta iyo Biyuhu siiyay Awdal News.

Warbaahinta gudaha dalka ayaa iyaguna ogayn waqtiga ay rasmi ahaan weftiga dalka ka baxeen, taasina waxa ay keentay shaki laga qabo in Wasiiradu waxoogay macdan ah sii qaadeen si ay uga soo iibiyaan Sheekha Rasal Khaymah, sidaasi darteedna haddiiba oo ay warbaahinta guduhu ogaan lahayd waqtiga ay weftigan ka duulayeen garoomada diyaaradaha dalka, waxa laga baqay inay ogaadaan macdanta loo iibgeynayo xaggaasi.

Waxa shakiga laga qabo labadan wasiir nalka ku sii shiday, ka dib markii qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaaradahooda oo Haatuf u waramayay ay sheegeen in aanay ogayn ujeedada safarka wasiirkooda ee Rasal Khaymah, isla markaana aanay jirin shaqo wasaarada ah oo uu halkaasi u tegay.
Todobaadkii hore ayay ahayd markii ay soo baxday fadeexad baahsan oo ku saabsan ganacsiga Ugaadha Somaliland oo xeebaha galbeedka dalka looga dhoofiyo wadamada Carabta. Ilaa haatana si rasmi ah looma shaacinin ganacsatadii dhoofin jirtay iyo lugta laga yaabo inay hay’adaha dawladu ku leeyihiin.

Top


“Anigu Wax Xil Ah Oo Aan Ka Hayay Maamulka Puntland Ma Jirto, Laakiin Shaqooyin Private Ah Waan Ka Qabtay, Golaha Wakiiladuna Wuu U Madax Banaan Yahay Go’aankiisa”
Xasan Maxamed Cumar (Looshade), Xubin Ka Mid Ah Labada Xubnood ee Komishanka Loo soo magacaabay

Hargeysa, September 3, 2007 (Haatuf) – “Anigu wax xil ah oo aan ka qabtay maamul-goboleedka Puntland haba yaraatee may jirin, balse shaqooyin madax banaan oo shicib ah waan ka shaqeeyay.” Sidaa waxaa yidhi Xasan Maxamed Cumar (Looshade) oo ka mid ah labada xubnood ee Golaha Guurtidu u soo magacaabay inay ka mid noqdaan komishanka doorashooyinka, isla markaana la filayo maanta inay golaha Wakiiladu cod u qaadaan.

Mr. Xasan Looshade oo shalay wargeyska Haatuf xog-wareysi gaar ah kula yeeshay xarunta golaha Wakiiladas, ayaa beeniyay warar sheegaya inuu xilal ka soo qabtay baarlamaanka maamul-goboleedka Puntland, ama uu jiro xil uu hadda ka hayay maamulkaas, waxaanu wareysigaasi u dhacay sidan:

S: Waxaa la sheegayaa in xilal dawliya aad ka haysay maamul-goboleedka Puntland, sida baarlamaanka iyo xukuumaddaba, oo aan wax istiqaalada ka bixin, arrimahaas maxaa ka jira?
J: Horta marka qof xil loo magacaabo waxaa jirta in dacaayado iyo been-abuur ku jihaysan shakhsiyadiisa loo jeediyo, waxaanse kuu sheegayaa anigu degaanada maamulka Puntland shaqooyin gaar ah (private) iyo hay’ado madax banaanba waan ka soo shaqeeyay, sida hay’adda Action Aid iyo mashaariic NGO-yo ah, laakiinse wax xil ah oo aan ka hayay maamulka Puntland baarlamaan iyo maamulba oo aan ka soo qabtayna haba yaraatee marna may dhicin ee waa borobogaando.

S: Jagadan Komishanka ee laguu magacaabay waxaa la sheegayaa inaan shirgudoonka golaha Guurtidu wax wada-tashiya aanay kala yeelan beeshiina bariga Sanaag, sidas uu sheegay Xildhibaan Cabdillaahi Huruuse oo ka tirsan xildhibaanada golaha Guurtida kaga jira beesha aad ka soo wada-jeedaan, waxaanu kugu duray inaan loo wada dhamayn xilkan laguu doortay, arrimahaas maxaa ka jira?
J: Horta magacaabista xilkaygani waxay ku timid wada-tashi ay shirgudoonka golaha Guurtidu la yeesheen masuuliyiinta saddexda gole qaran kaga jira beesha bariga Sanaag oo iyagu soo jeediyay in xilkaasi lay doorto, aniguna waa aqbalay, sidaa darteedna soo-jeedinta xilkaygani waa mid beeshu u dhantahay, xildhibaan Cabdillaahi Huruusana waa fikirkiisa shakhsiga ah, waanu u madax banaan yahay aragtidiisa iyo ra’yigiisa.

S: Rajo intee le’eg ayaad ka qabtaa in golaha Wakiiladu ay xubinnimadaada ansixin doonaan?
J: Run ahaantii rajo aad u weyn ayaan ka qabaa in golaha Wakiilada aan ka heli doono kalsooni aan ku ansaxo, waanan leeyahay aqoontii iyo waaya-aragnimadii jagadan, hase yeeshee golaha Wakiiladu wuu u madax banaan yahay go’aanadiisa iyo ansixintiisaba, diidmo iyo ogolaanshana xaq distooriya ayuu u leeyahay, laakiin wax cabsiya ama warwar ah kama qabo, go’aan kasta sdoo ay qaataan.

S: Ma jirtaa wax fal (accident) ah oo aad ka samaysay xafiiska hay’adda CARE International ee magaalada Hargeysa xilli aad ka shaqayn jirtay?
J: Arrimahaasi aad sheegayso anigu war uma hayo, waxaanan u arkaa uun dacaayadaha iyo been-abuur ay fidinayaan shakhsiyaad ka xun jagadan lay magacaabay, hase yeeshee waxaan kuu sheegayaa inaan anigu shuruudihii xeerka Komishanka looga baahnaaba aan buuxiyay oo aan waafaqsanahay.

 


“Wax Khilaaf Ah Oo Xisbiga KULMIYE Ka Dhex-Taagani Ma Jiro, Ee Qolooyinkii Hore Ugu Jiray Iyo Kuwa Ku Soo Biiray Ayaa Mid Kastaa Doonayaa Inuu Ergada Shirweynaha Ka Mid Noqdo”
Axmed Siillaanyo – Gudoomiyaha KULMIYE

Hargeysa, September 3, 2007 (Haatuf) – Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) ayaa beeniyay in wax khilaaf ahi ka dhex taagan ayahay saami-qaybsiga tirada ergooyinka ka qaybgelaya shirweynaha labaad ee xisbiga KULMIYE oo la filayo inuu Hargeysa ku qabsoomo 8-da bishan September 2007, taas oo la sheegay in xubnaha guddida qabanqaabada shirweynuhu ay isweydaariyeen saamiyadii loogu talo-galay gobolada bariga iyo galbeedka Somaliland, taas oo la sheegay inay ka cadhoodeen taageerayaasha xisbiga ee gobolada Saaxil, Hargeysa iyo Awdalba.

Hase yeeshee gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siillaanyo oo aanu wax ka weydiinay waxyaalaha ka jira khilaafkaasi la sheegay inuu ka taagan yahay xisbiga gudihiisa, ayaa isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu si kooban u yidhi: “Horta wax khilaafa oo xisbiga gudihiisa ka taagani ma jiro, balse xisbiga waxaa ku soo jabay ummad farabadan oo beelo iyo xubno siyaasiyiinaba leh, kuwaas oo qoladii hore xisbiga ugu sii jirtay iyo kuwa ku soo biirayba uu mid kastaa doonayo inuu ka mid noqdo ergada shirweynaha ka qayb-gelaysa, sidaas darteed dadkaasi ku soo jabay xisbiga ayuun baanu kala hori kari la’nahaye khilaaf jiraa ma jiro.”

Mar la weydiiyay tirada guud ee ergada ay shirweynaha ugu talogaleen waxa uu yidhi: “Runtii ergada shirweynaha ka qayb-gelaysaa waa badan yihiin oo waa dhowr boqol, suurta-galna maaha in cid kastoo xisbiga ka tirsaniba ay ergooyinka shirka ka mid noqoto.”
 


Suldaan Ka Mid Salaadiinta Beelaha Maxamed Case Oo Beeniyey War Ku Saabsanaa Inuu Kulan La Yeeshay Siyaasiyiin Iyo Wasiirro Ka Tisan Xukuumadda Rayaale

Boorama, September 3, 2007 (Haatuf) – Mid ka mid salaadiinta Beelaha Maxamed Case (Samarroon) ayaa been ku tilmaamay war ku saabsanaa in isaga iyo shakhsiyaad magac ku leh Boorama kulan la yeesheen qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda Rayaale ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, warkaasi oo lagu faafiyey qaar ka mid ah wargeysyada madaxa bannaan shalay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Somaliland ayaa waraysi uu khadka telefanka ku siiyay Haatuf ku beeniyay warkaas isla markaana ku tilmaamay been aanu ka hadhi doonin cidda warkaasi bixisay.

Suldaan Ibraahim Jaamac oo arrintaa ka hadlaya ayaa yidhi: "Salaadiinta iyo caaqiladu sidoodaba waa arrin ka baxsan siyaasadda Dawladda, waxa qudha ee ay arrimaha dawladda ka wada hadli karaanna waa marka la dareemo nabadgelyo xumo, iyo arrimo ay kala sheeganayaan beelaha Dalku, mana nihin kuwa dawladda arimaheeda lug ku leh. Beeluhu waa dimuqraadi, beel kastaana iyadaa go'aansan karta dariiqa ay u marayso danaheeda, laakiin ma jirto cid ka tirsan dawladda oo aanu shir kula yeelannay Boorama, ciddii warkaasi sheegtayna waa cid ujeeddo gaar ah leh, oo aan daba joogi doono waxa keenay."

Ugu dambayntiina Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa warkiisa ku soo gaabiyey “Haddii annu arrin dawladda kala hadlaynno waa inay ogaadaan beelaha aanu masuulka ka nahay."

Top


Gaadhi Surf Ah Oo Xalay Daad Ku Qaaday Dooxa Hargeysa

“Taliyaha bileyska Somaliland waxa uu igu yidhi wax gurmad ah ma hayno” {Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule}.

Hargeysa August 3, 2007 (Haatuf) – Gaadhi noociisu yahay Serf -No 25215 Sl uu leeyahay Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule, isla isaguna waday ayaa habeenkii xalay abaara 11:00 saacadu markay ahayd uu daad kala tagay dooxa weyn ee magaalada Hargeysa qaybtiisa shacabka ka dib markii uu suldaanka oo u sii jeeday xaga gurigiisa oo doaxa u dhowaa uu daad weyni kala tagay, sida uu sheegayna isaga in dirqi lagag soo badbaadiyay daadkii gaadhigiina uu la tagay
Isaga oo ka hadlaya arrintaasi siday u dhacdayna waxa uu yidhi “horta masuuliyiintii aan mobil-ka kula xidhiidhay inay ii soo gurmadaan gurmad kamaan helin ee gurmad waxa ii noqday Ilaahay ka sokow laba nin oo milatari ah iyo nin kale iyagaana iga soo badbaadiyay daadka.

Aniga oo Tacsi Berbera ka dhacday ka imid ayaa dadkii aan siday markaan xaafadahoodii soo dhigay ka dib aan doonay inaan xagii gurigayga tago oo u dhow dooxa shacabka ayan soo galay wadadii dooxa dhex maraysay ee taliska bilayska agtiisa ahayd ee gaadiidku marayay oo daad yari markaa socdo markii aan badhtankii marayo ayaa taayir meel yara godan ku dhacay oo degay ka dibna San-Geer baan geliyey ka bacdina wuu ka bixi waayay, aniguna muraayadaha intaan dalacay ayaan gaadhigii iskaga dhex jiray telefoonka ayaan markaa kolba diraa bal in gurmad ii yimaado, wax gurmad ahna maan arag oo iiga soo gurmada dhibaatadaas ila kulantay.

Meelihii aan la hadlay waxa ka mida Taliyaha Bilayska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad, markii aan la hadlay een ku idhi waar hala ii soo gurmado waxa uu igu yidhi anagu gurmad ma hayno.
Hadana waxaan la hadlay warshada laydhka iyana gurmad kamaan helin.

Waxaan gaadhigii ku dhex jiro ilaa saacad ku dhowaad markii aan galay waxay saacadu ahay qiyaastii 9:50 isla markaa uu daadkiina sii xoogeystay ayaa bal aniga uun lafahaygu si ay u badbaadaan gaadhigii la iga soo dhex saaray.

Laba nin oo milatari ah iyo nin kale oo saddexaad ayaa iga soo dhex saaray gaadhigii, iyagaana gurmad ii noqday, saacaduna markaa waxay ahayd 11:00 qiyaasihii Akhirataankiina halkaas ayuu gaadhigii kala tagay daadkii dooxu.

Waxan hadaba la yaabay oo wax lala yaabo ah inaanay haba yaraatee waxbaba jirin anigoo masuuliyiintii aan la hadlay ka waayay wax gurmad ah.
Intaa ka dib aniga markii la iga soo saaray ee dhinacii qarka dooxa la I keenay indhahayga waxaan ku sii arkayey gaadhigii oo uu sito daadku o sii walwaalanayo”, ayuu yidhi suldaanku, waxanu intaas ku daray “Aaway dawladii gurmadka looga baahnaa ee weliba meeshuna ay ahayd agteedii haday noqoto taliska bilayska iyo warshada laydhka.”
 

Top


KALA MAAN

Sowtii gabadh lagu ogaa inay xishooto…………!

Wed -uun baa inaga xiga bal aad soo aragtide” oo weligaa miyi miyaanad arag” Saynab waxay ugu jawaabtay “weligay maan arag meel miyi ah.

Ka bacdi waxay aad u falanqeeyeen waxyaabihii ay ku soo arkeen arooska.

Luul baa waxay tidhi “ Saynabeey miyiga iyo magaaladu shaqo iskuma laha marka ay noqoto xaga dhaqanka iyo amuuraha qaarkood”. kolkaasay Saynab ku tidhi “dee anigu Luulleey waanigii hore kuugu sheegay inaanan miyiga arag laakiin dhaqanka iyo hiddahaba waxa iiga sheekayn jiray aabahay anigoo yar iyo imikoo aan weynahay-ba imikana adigu waadigan iiga sheekaynaya amuuraha miyiga tan iyo wakhtigii ayu is-baranay markaa waan jecelahay miyiga iyo dhaqankiisaba sababtoo ah waa degaanadii xoolaha iyo xoolo dhaqatadeenu ku noolaayeen imikana ay ku nool yihiin ee uu salka u ahaa dhaqankaa wanaagsan ee awoowyaasheen lahaayeen. Inagana la inooga baahan yahay inaynu ku dayano wanaagoodii” markaasay Luul tidhi “habeenkii dhoweyd ee arooska aynu joognay haddii ay inala joogi lahaayeen hablo miyiga jooga oo qaarkood aanu isku reer nahay way maroora-dillaaci lahaayeen haday arki lahaayeen hablihii surwaalada gashanaa ee sida raga timaha u jaray markaa waa dhaqamada shisheeyahu keeneen ee dhulka soo galay. Markaa walaal dhaqankii awoowyaasheen waa fiican yahay oo in badan oo dhaqankii hore ah waxa dishay magaalo oo baa’biisay.

Waxana weeyaan habluhu inay xishoodaan oo waalidka maqlaan, habeen dhoweyd oo wakhti cawysina ay tahay ayaan aniga oo dukaanka ku sii socda ayaan xaafada agteena ee yartii casayd ee magaceedii la odhan jiray magaceeda ma-karo’e ayay hooyadeed ku lahayd naa- orodoo islaantaadan xumi naga tag maxaad noo weydiinaysaa meesha aanu ku maqnayn iyo halkaanu ka nimid, Kolkaasaan aad ula yaabay oo is-idhi inantu siday hooyadeed ula hadlaysaa miyaanay ogeyn xaqa waalidku ku leeyahay ee la inagu waajibiyey ka bacdi waan iska dhaafay
Oo waxan xasuustay hablihii miyiga ee marka ay hooyooyinkood ku yara arkaan waxyaabo aanay jeclaysan ayay ku odhan jireen “hablaad tihiine xishooda markaasay habluhana odhan jireen “haye iyo waayahayay” oo hadal kale aanay ku celin jirin hadal wanaagsan mooyee. Laakiin magaalo way hawlo badan tahay oo tan iyo markaan imid marba marka ka dambaysa wax aan la fajaco ayaa ila kulmaya soo” intaa ka bacdi bay Saynab uga sheekaysay sida ay u xiisaynayso aragtida ay doonayso inay miyiga soo aragto waxayna tidhi “Luulleey alla fasixii iskuulka ayaa raagay markaa haddii aad adigu wakhti weydo aynu isku raacno miyiga oo Sahri kuu diido tegitaanka -annaa war kale kuu haya ee adigu fasax la’aan ha tagine, aniga aabahay ayaa maalin dhoweyd igu yidhi “haddii aad aabo sidan u jecesahay miyiga waad soo arki kartaa oo waxan kugu dari doonaa dad tagaya halkii reerkeena miyigu yiil oo ku geynaya bal si aad u soo aragtid siday yihiin”, waxa kale oo uu intaa iigu daray aabahay in wakhtigan miyigu yahay xilliga uu barwaaqada yahay ee dad iyo duunyaba fiican yihiin” markaasaan ku idhi “aabo ma-marbay xun yihiin dadka iyo duunyada miyigu” kolkaasuu igu yidhi “waxaan aabo u jeedaa xillina waa xilli roobaad oo waa {Gu’} dad, duunyo iyo khalqigaa ku uuman oo dhami way barwaqaysan yihiin” waxa kale oo uu ii sheegay aabahay in xilliyada fasaxa iskuulka marka aan doono uu ii ogolaanayo inaan soo arko miyiga”.

Luul- baa iyaduna waxay u sheegtay saaxiibadeed in imika wakhtigan xaadirka ah aanay ka tagi karayn guriga sababtoo ah aniga ayaa caawiya bay tidhi aayaday oo hawsha guriga la qabta, adeerkay Cumar-na aanu sidaa isku ognahay ee haddii ay timaado gabadh kale oo nala shaqaysa waan heli karaa in aynu is raacno oo reerkiinii miyiga ama kaayaga aynu tago kolba kaynu doono.

Intaa dabadeed ayaa Saynab ku celisay hadaladan waxayna tidhi “adigu Luulleey marnaba fasax la’aan ha iska bixin anigu waxan doonayaa uun inaan miyiga muddo gaaban soo joogo ka dibna soo laabto waayo wakhti bil ka badan ma heli karo oo waad ogtahay inaan hooyo bakhaarka kala shaqeeyo marna hablaha iga yaryar aan wax kala qabto hawsha guriga, marna waxbarashada ku jiro”sheekadoodii markay halkaa maraysay ayay maqleen cod qof dumara oo la hadlaysa………………..
La soco: cadada dambe ee sheekada oo xiiso leh
 

Top


Dawladda Mbagathi oo Ka Noqotay Go’aankii Ay Ku Joojisay Duulimaadyadii Diyaaradaha Ee U Dhexeeyay Somaliland Iyo Somalia

Muqdisho, September 03, 2007 (W. Wararka) - Wareegto ka soo baxday Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee dawladda Cabdillaahi Yuusuf ayaa lagu sheegay in la xaliyay khilaaf soo kala dhexgalay Shirkadaha Diyaaradaha iyo Waaxda Socdaalka Dawladda Mbagathi, kaas oo sababay in Waaxda Socdaalka ay ku dhawaaqdo in la joojiyay Duulimaadyadii u kala gooshi jiray Somalia iyo Somaliland.

Wareegtada ka soo baxday Waaxda Duulista iyo Saadaasha Hawada dawladda Mbagathi ayaa la sheegay in shirkadaha Diyaaradaha iyo Waaxda Socdaalka ay ka heshiiyeen khilaafkii soo kala dhexgalay, kaas oo ka dhashay in ay shirkadahaasi dadka siiyaan warqado “go home” ah oo aan sharci ahayn iyo iyadoo Baasaboorka cusub ee Mbagathi ay aqoonsan wayday Somaliland.
Khilaafkaas ayaa sare u sii kacay kadib markii ay Somaliland ku dhawaaqday in ciddii lagu helo iyadoo ku safraysa Baasaboorka cusub ee Soomaaliya uu muteysan doono Xabsi dhan 8 Sanadood, taasina ay ka cadhaysiisay Waaxda Socdaalka Dawladda Mbagathi.

Qoddobka Baasaboorka cusub ee dawladda Mbagathi ee ay dawladda Somaliland dalkeeda ka mamnuucday ayaan isaga weli heshiis ka jirin, iyadoo keliya ay Somaliland ogoshahay in Baasaboorkii hore ee Soomaaliya lagu galo dalkeeda, lagagana soo baxo, waxayse haatan su’aali ka taagan tahay sida uu Baasaboorka cusub ee Soomaaliya uu uga dhaqangelayo Somaliland.

Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isticmaalka Baasaboorkii hore ee Soomaaliya waxaa ay u qabatay ilaa 30-ka Bishan September.
 

 


Dibu Habaynta Madaarka Hargeysa, Rafaadka Qurbojooga Iyo Tacadiga Ciidanka Amaanka Ee Madaarka

(SDWO.COM – 02/09/07) Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ayaa waxa ka muuqata dibu habayn aad u balaadhan oo lagu sameeyay tan iyo intii loo magacaabay wasiirka duulista iyo hawada Warancade. Waana arin mudan in wasiirka lagu hanbalyeeyo waxqabadkiisa joogtada ah laguna dhiirigeliyo in xubnaha kale ee wasiiraduna ku daydaan dadaalka iyo waxqabadka balaadhan ee uu muujiyay Wasiir Warancade.
Dibuhabaynta balaadhan ee ka muuqata waxa ka mid ah.
Nalalka dhabada diyaaradahu ka haadaan oo suurtogeliyay in diyaaradahu soo fadhiistan kana duulaan habeenkii.
Qurxin weyn oo lagu sameeyay dhamaan dhismayaasha madaarka
Baarkinka baabuurta oo isna aad loo habeeyay oo lacag aad u yar lagu dhigto.
Wadada soo gasha madaarka oo iyadan aad loo habeeyay nalalna lagu qurxiyey.
Rafaadka Qurbojoogu ay kala kulmaan madaarka iyo Tacadiga ciidanka amaanku ku hayaan rakaabka
Ka dhoofida madaarka Hargeysa ayaa noqotay meel aad u adag una rafaad iyo dhib badan. Cidhiidhiga iyo is riiixa ka dhacaya dibada iyo gudaha madaarkaba ayaanay jirin wax lagu qiyaasi karaa, dad aad u dhibaataysan oo rafaad ku jira ayaad arkaysaa oo leh, maxaa loo odhanwaayey ka dhoofida madaarku waa jidkii siraad oo kale dhibta iyo rafaadka ka taagan darteed. Dhibta ugu weyni waxay ka bilaabantaa albaabka hore ee deeyrka madaarka oo uu furanyahay albaab aad u yar oo qofka shandada sitaa uu dirqi ku dhexmarikarayo. Waxa ku xoonsan oo raba inay galaan dadkii dhoofayay oo gaadhaya boqolaal qof iyo boqolaal kale oo raba inay gudaha galaan si ay u sii dhoweeyaan eheladooda. Waxa albaabka deeyrka gudaha soo taagan ilaa 4 askari oo habdhqankoogu aad u qalfsanyahay oo isku deyaya inay dadka kala horaan laakiin iyagu noqdeen kuwa abuuraya buuqa, is riixriixa, kala danbayn la,aanta iyo wakhti ka ridida rakaabka oo sababta inay diyaaradu mararka qaarkood kaaba hor duusho. Kolba waxaad arkaysaa qof iyo shanadadiisii oo dib loo soo tuurayo inta laabta la qabto, markuu qofku xanaaqo oo uu yidhaah maxaad ii kala tuuraysaa aan lagaba hadlinayne askartu gacanta u qaadayso oo midba wax ku dhufanayo iyagoo leh hadii uu aamusiwaayo soo xidha weliba inta kayuugii boobka ahaa ee lagu jiray dibada looga tuuro. Waa marxalad aad u adag oo qalafsan adigoo jiidanaya 3 – 4 shandadood iyo weliba dadka caruuraha wata oo is riixaas iyo isbuquujintaas ku dhexjira.
Marka gudaha madaarka la galana kaba sii daran oo waxa kala badan dadka qolka baadhitaanka shandadaha iyo eegida tigidhada (Check- in) ku jira iyo inta loogu talogalay, qiyaastii qaybtani bixitaanka madaarku waxay qaadikartaa ilaa 200 qof, laakiin waxa hal mar soo gelaya ugu yaraan ilaa 7 boqol oo qof oo shandadahoogiina wata iyo weliba dad shandadaha la sida. Askar aan u tababarnayn ka shaqaynta madaarka ayaad arkaysaa oo intay dadka soo dhexgalaan iyagoon kala hubsan kii dhoofayay iyo kii sii dhoweynayayba kolba qof lalaaldinayo oo dibada u tuuraya hadii uu qofku ku soo yara istaagana garaaca lagu bilaabayo. Dumar iyo caruurta ayay dhibta ugu badani ku dhacdaa oo kolba dhinac loo jiidhaa, iyadoo cidhiidiga ka jira darteed aad is odhanaysid dadku wayba ku neefqabatoobi karaan kulaylka iyo dhididka dharkoogii qooyey. Arintan oo sababta in dadku isku dhacaan oo aad arkaysaa qurbojoogii oo is riixriixa darteed cadhadii markay ka badatay iyagii isku jeestay oo dagaalmaya oo lakala jiidayo.
Dhimac kale Shirkadaha Diyaaradu cidhiidhiga madaarka ka taagan qaybweyn bay ka qaataan. Hadaan tusaale u soo qaato maalintaan soo baxayey oo ahayd 30kii August waxa nalagu yidhi madaarka waa inaad joogtaan kowda duhurnimo sida lagu yidhi qof wal oo maalintaas dhoofayey, iyadoo qofwaliba wakhigaas yimid iyadoo sidoo kale diyaaradaha kale ee baxayey sida Ethiopian Airline ta iyaduna xiligaas dadka kaalaya ku tidhi madaarka maadama ay wakhti isku dhowbaxayaan, arintan oo sababtay in dhawr boqol oo qof hal mar ku kulmaan madaarkii oo uu cidhiidhi noqday.
Shirkada Daallo Airline oo aan soo raacayey ayaan xafiiskooda tegay maalin ka hor oo aan ku idhi dadka ha nagu wada odhanina kowada kaalaya maadama laba duulimaad midna gelinka danbe baxayo midina habeenka ee kala danbaysiiya oo hadii aanu nahay ta habeenka baxaysa aan madaarka nimaadno ilaa 5ta galabnimo. Haseyeeshee shaqaalahii daallo waxay qofwalba ku adkeeyeen inuu hal duulimaad oo keliyi jiro sidaas darteed si aanaad diyaarada uga hadhin in la tago madaarka kowda Duhurnimo.
Iyadoo dhibtaas iyo is riixriixaas oo dhan madaarka lagala kulmay ayaa markaan shanadahii xaraynay ee aan gudaha galnay ayaan ogaanay inay jiraan duulimaadyo kala danbeeya, iyadoo nalagu qoray duulimaadkii baxayey 8 fiidnimo oo ay noqotay in madaarka aanu dhexfadhino ilaa 8 habeenimo. Iyadoo ay nagu jireen dad badan oo caruuro aad u yaryar watay. Iyadii oo ay dhacday in dadkii ay badh ka buuxsantay diyaaradii oo ay sugaan diyaarad sedexaad oo naga sii danbaysay. Sidaas darteed Daallo Airline qaybweynbay ku leedahay dhibaatada iyo cidhiidhiga ka taagan madaarka Hargeysa, sababtoo ah rakaabkii baxayey duhurkii iyo kuwii habeenkii baxayey ayay hal mar madaarka isugukeenaysaa.
Dad badan oo ka mid ah dadkii ku dhibaataysnaa madaarka oo aan wax ka weeydiiyay ayaa hadaladooda waxa ka mid ahaa fasaxii aanu dalka ku joognayba waxa ku nacsiinaysa dhibtan lala kulmayo marka dalka laga baxayo oo ah mid aan loo dulqaadankarin, qaar kale ayaa sheegay in laga yaabo inaanay dalka ku soo laaban inta ay sidan wax iska bedelayaan, halka qaar kalana sheegeen inay marka danbe dalka baabuur kaaga bixidoonaan si dhibtan oo kale aanay ula kulmin.
Gebogebadii Wasiirka waxaan odhan lahaa in hawsha balaadhan ee aad madaarka ka qabatay aanay waxba taraynin hadii dhibtan madaarka ka taagan aanad si degdeg ah wax uga qaban oo aanad tayayn oo aanad kor u qaadin aqoonta iyo garaadka shaqaalaha gaar ahaan ciidanka ka nabadgelyada ee ka hawlgala madaarka. Dhinaca kale inaad sharci ka soo saarto ku socda shirkadaha diyaaradaha si ay u kala xadidaan dadka ka badan xaddigii uu madaarku qaadayey ee ay hal mar iskugu keenayaan madaarka adigoo jadwal (timetable) u kala samaynaya xiliyada diyaaradahu ka kala duuli karaan madaarka halkaay imika hal mar laga yaabo in 3-4 duulimaad dadkii kala raaci lahaaa check in kooga la isku beego tani oo ah arinka dhibta ugu balaadhani ka jiro. Dhinaca kale wasiir waxa la yidhi ishaa kuu macalinee waxa haboonaan lahayd in maalmaha madaarku mashquulka yahay sida 30kii August oo kale inaad si lama filaan ah u soo booqato madaarka oo aad indhahaaga ku soo aragto dhibta qurbojoogu kala kulmaan ka dhoofida madaarkeena caalamiga ah. Dhinaca kale wasiir waa in dib loo eegaa diyaaradaha dalka imanaya oo aad u tayodaran oo aan lahayn hawada loo yaqaano ogsajiinta oo dhacda inay dadku ku neef qabatoobaan, oo sida dhacda dad badani iyagoo neef qabatoobay anbalaas lagaga qaado madaarka markay ka soo degaan. Shirkadaha Diyaaradaha oo isku qanciya inay suurtogeliyeen in diyaarado dalka toos u yimaada sameeyeen hase yeeshee dalku wuu horumaray oo looma rahmana diyayradahan dadka qaar ku tilmaameen iska roggo duulaysa, waxa loo baahanyahay in shirkadaha wadaniga ah lala xisaabtamo maadaama ay iyagu ka fakirayaan oo keliya sideey lacagbadan u samaynlahayeen halkay lacagta shirkada dib u gelin lahaayeen oo diyaarado kuwan inyar dhaama u soo kiraysan lahaayeen.
Qurbojooga
Hadii aad ka mid tahay dadka rafaadka kala kulmay madaarka Hargeysa warbixintaada noogu soo hagaaji emailka Sdwouk@yahoo.com si aanu ugu gudbino wasiirka duulista iyo hawada markaan emailada ururino
SDWO News Desk

Top


Madaxweyne Rayaale Oo La Filayo Inuu Maanta Soo Saaro Go’aanka Siideynta Masuuliyiinta Ururka QARAN

Hargeysa, September 3, 2007 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la filayaa inuu maanta kulan la yeesho guddida iskeed isu xilqaantay ee dhexdhexaadinta khilaafaadka goleyaasha Qaranka, kulankaas oo la sheegay inay labada dhinac kaga wada-hadli doonaan fulinta go’aamadii ay guddida dhexdhexaadintu hore uga soo saartay khilaafaadkii u dhexeeyay Madaxweyne Rayaale iyo golaha Wakiilada, kuwaas oo ay golaha Wakiiladu dhinacooda ka fuliyeen qodobkii khuseeyay, hase yeeshee Madaxweyne Rayaale aanu ilaa hadda fulin labadii qodob ee go’aamadaas ka khuseeyay oo ahaa siidaynta hogaamiyeyaasha QARAN iyo dhaqan-gelinta Miisaaniyadda 2007 ee golaha wakiiladu ansixiyeen.

Sida ay sheegeen warar xog-ogaal ah oo laga helay ilo ku dhowdhow Madaxtooyadu, Madaxweyne Rayaale waxa ka diyaar ah fulinta go’aamadaas labada, iyadoo ay wararkaasi tibaaxeen inuu Madaxweyne Rayaale qoray waraaqdii siideynta hoggaamiyeyaasha urur-siyaasadeedka QARAN, taas oo la sheegay inuu gacanta ka gelin doono guddidaas dhexdhexaadinta kulankooda maanta la filayo inuu dhaco. Hase yeeshee wararkaasi ma sheegin qaabka ay u qoran tahay waraaqda siideynta masuuliyiinta ururka QARAN, iyadoo ay hore u jireen warar sheegaya inuu Madaxweyne Rayaale damacsan yahay inuu cafis ku sii daayo masuuliyiinta QARAN ee xabsiga ku jira, balse arrintaas waxa gaashaanka ku dhuftay hoggaamiyeyaasha QARAN ee xidhxidhan, kuwaas oo sheegay inaanay marnaba aqbalayn in cafis lagu siidaayo, maadaama aanay aqoonsanayn xukunka Maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday iyagoo ku dooday inaanay wax dambi ah gelin balse ay samaysteen urur siyaasadeed oo uu distoorku xaq u siiyay.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in fulinta go’aamadan guddida dhexdhexaadinta ee dhinaca xukuumadda laga sugayay uu Madaxweyne Rayaale shuruud uga dhigay in la ansixiyo labada xubnood ee komishanka, kuwaas oo maanta la filayo inuu golaha Wakiiladu ansixin doono, ansixinta kadibna uu qabsoomo kulanka Madaxweynaha iyo guddida dhexdhexaadinta.

Dhinaca kale, guddida dhexdhexaadinta ayaa la sheegay inay shalay kulan la yeesheen shirgudoonka golaha Wakiilada, kaas oo ay labada dhinac kaga wada-hadleen arrimo la xidhiidha go’aamadii guddidu soo saartay kuwaas oo ay xukuumaddu weli dhinaceedii waxba ka fulin, waxaanay ilo ku dhowdhowaa kulanka shirgudoonka Wakiilada iyo guddida dhexdhexaadintu sheegeen in guddidu ay dalbadeen in muddo laba maalmood ah laga warsugo si ay ula kulmaan Madaxweynaha, iyagoo sheegay inay sugayaan gudoomiyihii guddidaas Abwaan Hadraawi oo safar dibadda ah kaga maqan.
Siideynta hoggaamiyeyaasha ururka QARAN, ayaa la filayaa inay noqoto sidii ay guddidu go’aankeeda ugu soo saartay, taas oo dhigaysay in xabsiga laga siidaayo madaxda QARAN, isla markaana loo soo celiyo xoriyadoodii siyaasadeed, arrintoodana iyagoo dibadda jooga la eego.
Masuuliyiinta urur-siyaasadeedka QARAN oo kala ah Dr. Maxamed Cabdi Gaboose (Gudoomiye), Eng. Maxamed Xaashi Cilmi (Gudoomiye xigeenka 1aad), Jamaal Caydiid Ibraahim (Gudoomiye xigeenka 2aad) iyo laba oday oo ka mid ah taageerayaasha ururkaas ayaa muddo bil ka badan ku xidhnaa xabsiga Mandheera, kadib markii ay siyaasiyiintaasi samaysteen urur-siyaasadeed la magac-baxay QARAN, iyagoo daliishanaya qoddobo distooriya oo ay sheegeen inuu xaq u siinayo inay samaystaan urur-siyaasadeed, kana qayb-geli karaan doorashooyinka degaanka ee soo socda, hase yeeshee xukuumadda Madaxweyne Rayaale ayaa ururkaas ku tilmaantay mid aan sharci ahayn, isla markaana xabsiga u taxaabtay masuuliyiintii ururkaas QARAN iyadoo ay jiraan ururo kale oo lagaga dhawaaqay dalka.

Maxkamadda Distooriga ah oo iyadu u xilsaaran fasiraadda qoddobada distoorka iyo muranada distooriga ah, ayaan ilaa hadda wax go’aan ama tafsiir ah ka bixin sharci iyo sharci-darro midka uu yahay in urur-siyaasadeed la furan karo.

 

Top


Golaha Wakiilada Oo Maanta Cod U Qaadaya Ansixinta Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ka Dhiman

Hargeysa, September 3, 2007 (Haatuf) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa la filayaa inay fadhigooda maanta cod ugu qaadaan ansixinta labada xubnood ee Komishanka doorashooyinka ka dhiman oo ay toddobaadkii hore golaha Guurtidu soo magacaabeen kadib markii labadii xubnood ee hore codka kalsoonida mar labaad ka waayaan golaha Wakiilada, labadaas xubnood oo kala ah Prof. Ismaaciil Muuse Nuur iyo Xasan Maxamed Cumar (Looshade) ayuu Madaxweyne Rayaale golaha Wakiilada u gudbiyay toddobaadkii ina dhaafay si ay cod ugu qaadaan.
Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golaha Wakiilada Mudane Cabdi-Casiis Maxamed Samaale oo fadhigii shalay ee golaha Wakiilada gudoominayay ayaa fadhigaas kaga dhawaaqay in guddidii Arrimaha Gudaha ee golaha Wakiialda oo ay labadaaasi xubnood u gudbiyeen si ay baadhis ugu soo sameeyeen inay shuruudaha xeerka waafaqsan yihiin ay soo dhamaystireen isagoo intaas ku daray in guddiduna ay fadhiga maanta soo hordhigi doonaan warbixinta labada xubnood ee komishanka loo soo magacaabay, kadibna uu goluhu cod u qaadi doono ansixinta xubnahaasi komishanka doorashooyinka ka dhiman.
Gudoomiyuhu waxa uu intaas kadib fadhigii shalay Mudaneyaasha u soo jeediyay inay cod u qaadaan ajandaha kal-fadhiga aan caadiga ahayn oo ka kooban laba qodob oo kala ah ansixinta xubnaha komishanka doorashooyinka ka dhiman iyo kaabista xeerka doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo Madaxtooyada oo goluhu doodiisa hore u soo dhammaystiray, waxaanu goluhu ajandahaasi ku ogolaaday cod aqlabiyad ah oo dhan 42 mudane, cid diiday ma jirin, 3 mudanena way ka aamuseen.
Sidaas darteed fadhigga maanta ayuu goluhu u balamay ansixinta labada xubnood ee komishanka ka dhiman.
Dhinaca kale, guddida Arrimaha Gudaha ee golaha Wakiilada ayaa shalay subax xafiiskooda kulano xog-wareysi gaar gaar ah kula yeeshay labada xubnood ee komishanka doorashooyinka, iyadoo ay ilo xog-ogaal ahina tibaaxeen in xubnahaasi ay buuxiyeen shuruudihii ku xidhnaa xubnimada Komishanka, isla markaana ay guddi-hoosaadka arrimaha guduhuna ku qanceen CV-yadoodii iyo dhokumentiyadoodii loo soo gudbiyay. Sidoo kale, waxay ilahaasi tibaaxeen inay mudaneyaasha golaha Wakiiladu u muuqdaan kuwo iskaga aragti ah ansixinta labadan xubnood, isla markaana aanay jirin ilaa hadda wax cudur-daara oo ay ku diidaan ansixintooda.

Top