Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1513 Sep.5, 2007

Wefti Ka Socda Baarlamaanka Britain Oo Booqasho Ku Yimi Caasimadda Hargeysa Iyo Kulamadii Ay La Yeesheen Madaxda Somaliland

Berbera: Magaalo Weli Ay Ka Muuqdaan Sawiradii Marxuum Cigaal, Maamul Qarsoon Iyo Nolol Kala Duwan

Uganda Oo Qaramada Midoobay Ka Codsatay Inay Kala Wareegto Hawsha Nabad Ilaalinta Somalia

Suxufiyiin Ka Qaxay Muqdisho Oo Ku Xaniban Xuduudka Kenya Iyo Somaliya U Dhexeeya

Taliyaha Ciidamada Imbagaati Oo Yimid Laas-Caanood

“Annagu Waxaanu Qabnaa In Qaraaradii Guddida Dhexdhexaadinta Sidooda Loo Fuliyo, Meel Uu Cafis Kaga Yaalayna Muu Jirin”
Afhayeenka Ururka Qaran – Maxamed Cabdi Daa’uud

Boobka Baloodhka Hooyo Canab Iyo Lugta Uu Kula Jiro Wasiirka Dib U Dejintu

“Wasiiru-Dawlaha Caafimaadku Wuu asiibay isbedelka Caafimaad ee Gobolka Togdheer”

WARSAXAAFADEED BEENIN


Wefti Ka Socda Baarlamaanka Britain Oo Booqasho Ku Yimi Caasimadda Hargeysa Iyo Kulamadii Ay La Yeesheen Madaxda Somaliland

“Kooxdan aan hor-kacayo waxay u ololeeyaan aqoonsiga Somaliland” MP Allun Michael

Hargeysa, September 5, 2007 (Haatuf) – Wefti ka socda Baarlamaanka Britain ayaa shalay booqasho ku yimi Somaliland, waxayna ilaa shalay ilaa xalay kulamo is-daba-joog ah la yeesheen madaxda sare ee goleyaasha dawladda iyo hoggaamiyeyaasha Axsaabta.

Weftigan oo ka kooban afar xubnood oo Mudaneyaal ah waxa hoggaaminaya Mudanaha magaciisa la yidhaahdo Allun Michael oo laga soo doorto magaalada Cardiff ee gobolka Wales ee dalka Britain, laakiin weftiga Mudaneyaasha ah waxa kale oo weheliyay xubno diblomaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Safiirka dawladda Britain u fadhiya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, Mr. Bob Dewar.

Marka laga yimaado hoggaamiyaha weftiga MP Allun Michael waxa kale oo xubnaha baarlamaanka ka mid ah ah haweenayda magaceeda la yidhaahdo Kerry McCarthy oo ah Mudane laga soo doorto magaalada Bristol ee gobolka England, waxayna Mudaneyaasha booqashada ku yimi Somaliland ka mid yihiin kooxda Mudaneyaal ah oo u ololeeya sidii ay Somaliland ictiraaf u heli lahayd, sidaas darteed ujeedada socdaalkooda waxa qayb muhim ah ka ah ololaha ay ugu jiraan qadiyadda ictiraafka Somaliland.

“Kooxdan aan hor-kacayo waxay u ololeeyaan aqoonsiga Somaliland” ayuu yidhi MP Allun Michael.

Madaxa weftiga Allun Michael MP oo saxaafadda u waramay markii uu ka soo degay madaarka Hargeysa ayaa ujeedada socdaalkooda ku tilmaamay sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladda dhabta ee ka jirta Somaliland si ay u helaan macluumaad wax ka tara ololahooda ictiraaf-raadinta Somaliland.

Weftiga baarlamaanka Britain waxay maalintii shalay ilaa xalay kulamo la yeesheen dhinacyo ay ka mid yihiin Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo golihiisa xukuumadda, shirgudoonada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamiyeyaasha saddex xisbi UCID, UDUB iyo KULMIYE, iyo guddida komishanka doorashooyinka iyo weliba ururada bulshada rayidka ah.

Weftigu waxay habeenkii xalay qasriga Madaxtooyada kula kulmeen Madaxweyne Rayaale iyo koox wasiiro ah, iyadoo uu Madaxweyne Rayaale weftiga u sameeyay casho-sharaf, waxayna labada dhinac ka wada-hadleen ujeedada socdaalka weftiga iyo arrimaha loo baahan yahay in layska kaashado.

War-saxaafadeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Rayaale weftiga baarlamaanka Britain uga mahadnaqay sida firfircoon ee ay ugu ololeeyaan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, iyadoo uu Madaxweyne Rayaale tilmaamay inay Britain tahay dalka keliya ee xog-ogaalka u ah taariikhda Somaliland. Sidoo kale Madaxweyne Rayaale waxa uu weftiga u sheegay inay lagama maarmaan tahay in aqoonsiga ka hor looga baahan yahay wadanka Britain iyo dalalka kale ee EU-da inay ka caawiyaan Somaliland arrimaha horumarinta, isagoo yidhi: “Weftigu waa inay gaadhsiiyaan dawladda Britain in wixii deeq ah ee la siinayo Somaliland si toos ah loo siiyo, iyadoo aan meelo kale loo soo marin,” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay inay wadamada Sweden iyo Norway balanqaadeen inay toos u siinayaan Somaliland caawimada.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka Madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay inay xubnaha weftiguna halkaas ka hadleen oo ay sheegeen inay Somaliland ku hambalyeynayaan tallaabooyinka dimuqraadiyadda ee ay qaaday, waxayna xukuumadda Madaxweyne Rayaale, goleyaasha qaranka iyo hay’adaha kale ee dawladdaba ku booriyeen inay sii xoojiyaan geedi-socodka dimuqraadiyadda, iyo inay hirgeliyaan doorashooyinka soo socda, waxaana Madaxweynaha kulanka uu la yeeshay weftiga Britain ku weheliyay toddoba ka mid ah golihiisa wasiirada.

Weftigu waxa kale oo ay shirgudoonada baarlamaanka kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii loo heli lahaa iskaashi ay wada-yeeshaan goleyaasha dawladdu si ay taasi u xoojiso ololaha ay kooxdani ugu jiraan baadi-goobka ictiraafka Somaliland, sidoo kalena waxay shirgudoonada baarlamaanku weftiga uga xog-warameen qaababka ay u shaqeeyaan goleyaasha qaranka iyo awoodaha ay kala leeyihiin iyo guud ahaanba jewiga siyaasadeed ee Somaliland.

Sida ay sheegeen wararku ilaa maanta gelinka hore weftiga baarlamaanka Britain waxay sii wadi doonaan kulamadooda, waxaana ka mid ah dhinacyada ay la kulmi doonaan kooxo ka tirsan golaha wakiilada oo isugu jira mudaneyaal ka soo kala jeeda saddexda xisbi. Waxa kale oo ay la kulmi doonaan dadka reer Somaliland ee haysta dhalashada Britain ee hadda ku sugan Somaliland. Sidoo kale waxay weftigu maanta la kulmi doonaan kooxaha saxaafadda iyo dhinacyo kaleba, waxaana lagu wadaa inay maanta dalka dib uga dhoofaan, iyagoo weftigu dalka ku yimi diyaarad khaas ah.

Xubnahan baarlamaanka ah ee socdaalka ku yimi Somaliland waxay ka mid yihiin koox ka kooban 33 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka Britain, una ololeeya ictiraafka Somaliland, waxaana kooxdaas gudoomiye u ah MP Allun Michael halka MP Kerry McCarthy kooxdaas u tahay Xoghaya, waxayna weftiga Britain dhammaan madaxdii iyo hoggaamiyeyaashii Somaliland ee ay la kulmeen u qadimeen in layska ilaaliyo waxyaalaha carqalad ku noqon kara ololahooda ictiraaf-raadinta sida khilaafaad iyo wada-shaqayn xumo dhexmarta goleyaasha qaranka iyo hoos-u-dhac ku yimaada geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo cabudhinta xoriyatul-qawlka iyo xuquuqaha aasaasiga ah.

Rt. Alun Michael oo xidhiidh wada-shaqayneed oo aad u dhow la lahaa jaaliyadda reer Somaliland ee degan Cardiff muddo gaadhaysa labaatan sannadood, ayaa booqashadiisani noqonaysaa tii ugu horeysay ee uu ku yimaado Somaliland, iyadoo ay imaatinkiisa wakhtigana dhiirigelinteeda qayb ku lahaayeen dadka ay xidhiidhka dhow leeyihiin ee u dhashay Somaliland degana gobolka Wales ee uu ka soo jeedo.

Top


Berbera: Magaalo Weli Ay Ka Muuqdaan Sawiradii Marxuum Cigaal, Maamul Qarsoon Iyo Nolol Kala Duwan

Warbixin – Maxamed Caumar -- Boorama

Dhawr iyo toban sano ayaa ka soo wareegtay socdaalkii iigu dambeeyey ee aan ku tago magaaladan ka soo hadhay gumaysigii Ingiriiska iyo xukuumaddo kala duwan ilaa maantana shaqaynaysa.

Berebera waxa tan iyo wakhtigaa iigu xigtay mar aan bishii hore bilowgeedii nin saaxiibkay ah oo garoonka Diyaaradaha magaaladaasi diyaarad ka saarayey dad ay qaraabo yihiin oo qurbajooga aan u raacay Magaaladaasi.

Intii aan ka maqnaa magaaladaasi oo dhawr iyo toban sano laga joogo, wax badan ayaa iska beddelay. Isbedelkaasi maaha uun dhinaca horumarka ee dib-u-dhac badan ayaa ku soo biiray. Jidka aan u sii maray magaaladaasi, ayaan ka dareemay in dayaca reer Boorama uuni ka cawdaan ee xagga jidadka lala wada qabo, jidkaasi oo dhawr iyo toban sano ka hor ahaa jid laami ah oo uu u yaraa burburku maanta waxba kama duwan jidka u dhexeeya kalabaydh iyo Boorama.

Markii aan magaalada galay, waxaan durba dareemay in wakhtiga aan tegey uu yahay wakhti kuleyle ah badi dadkuna ka guureen, waxa ku soo hadhayna yahay shaqaale dantu ku khasabtay.

Markii aanu gallay magaalada waxaan eegeegay meel hadh ah oo aan ku nasanno sharaabna aanu ka cabno, balse waannu weynay, waxayna dantu nagu khasabtay inaanu fadhiisanno makhaayad yar oo hadh looga dhigay kartoonno iyo waxyaalo kale oo ay ku qayilayeen dad aan is idhi waa degaanka, oo markii aan ag fadhiisannay si taxaddir leh noo soo eegayey balse aan nala hadal. Markii aanu dhamaysannay cabbitaankii ayaan eegeegay magaalada muuqaalkeeda, berigii kuwaan arki jiray iyo waxa haata ku soo biiray. Waxan arki kari waayay dhisme qurux badan, marka laga reebo Huteel la yidhi waa qaali oo madaxda ayaa seexata. Waxaan eegeegay xafiisyadii dawladda oo uu ugu horreeyey xafiiska Socdaalka oo ka agdhawaa jid aan marayey, gudaha haddaan ku dhawaaday ayaan arkay dhismaha xafiiskaasi iyo qalabkiisuba inay 20 sannadood ka dambeeyaan xafiisyada aan ku arkay Hargeysa iyo Boorama ee dawladda, markaad eegto qalabka yaalla iyo nidaamka wakhtigiisii dhammaaday, waxa intaa iigu xigtay xafiisyo kale oo la yidhi waxa leh dawladda Hoose, oo aan arki jiray intii aanay dhicin dagaaladii sokeeye, waagaasi ayey ka qurux badnaayeen.

Dadka magaaladu intii aan joogay wax hadal ama fiiro gaar ah iima yeelan, marka laga reebo dukaan aan is idhi wax ka iibso oo alaabta aan ka iibsanayey oo qiimaheedu Hargeysa iyo Boorama ka ahaa 4 kun oo Sh. Sl, la igu yidhi 6 kun oo Shilin Somaliland ah.

Wax yar haddaan sii joogay waxaan la kulmay dad kale oo socota ah oo dekedda dani kaga xidhnayd balse loo sii deyn waayey dekedda inay galaan oo alaabtoodii soo eegaan, kuwaas oo ii sheegay inaanay dekedda albaabkeeda joogsan ilaa nin ka tirsan degaanka magaaladaasi ay ka soo qaataan ama ka soo iibsadaan foomka lagu galo dekedda, dad badan oo sidaa isku daba wareegayaana way badnaayeen, balse ma garan karo inay dekeddii galeen iyo inay wax kale ka qabsadeen gudaheeda.

Dhinaca maamulka dawladnimada, dhawr jeer oo aan galay goobo ganacsi, ayaan ku arkayey sawiradii marxuum Cigaal oo weli sudhan derbiyada, sawiradaas oo qaarkood midabkoodu is beddelay waxaanan u qaatay in dadka reer Berbera qaarkood weli u haystaan in Marxuum Cigaal weli dalka xukumo, kumana arag meel uu sudhan yahay sawirka Madaxweynaha wakhtigan Daahir Rayaale. Waxa kale oo aan sawirkaa marxuum Cigaal ku arkayey meesha laga soo galo magaalada ama laga baxo, oo uu sawir-gacmeedkiisa marxuumkaasi lagu qoray khad casaan ah.

Dhinaca maamulka dawladda, ma arag maamulka Golaha degaanka ama guddoomiyaha magaaladaasi, iyadoo aad dareemayso in arrimaha magaalada ka socda intooda badan la hadal hayo in Maareeyaha dekedda oo la yidhaahdo Cali Xoorxoor uu arrinkaasi dhammeeyey, ama loo tegey ama amarka arrintaasi ku xidhan yahay isaga, taas oo aan u qaatay in maamulka dawladdu u magacawday magaalada Berbera ama gobolka Saaxilba uu yahay hab maamuus, balse guddoomiyaha qarsoon ee gobolkaasi iyo magaaladaasiba uu yahay Maareeyaha dekedda, Cali Xoorxoor, isla markaana uu yahay maamulaha qarsoon ee degaankaasi.

Dhinaca siyaasadda markaad eegto, ma arag dadka magaaladaasi intii aan joogay wax siyaasad hadal haya, mucaarad iyo muxaafid midkay doonto ha ahaatee, waxaanad mooddaa in dadku wada mashquulsanyahay.

Dhinaca Nolosha mujtamaca reer Berberaad, faraq weyn ayaa u dhexeeya. Dadka qaar aan arkay ama ku haysta meheraduhu nolosha ay ku nool yihiin kama duwana nolosha lagaga noolyahay dalalka Yurub iyo Maraykanka, halka guryo kuwaa ka dambeeya oo ay ishaydu qabatayna ay ka muuqdeen isla dad reer Berebera ah oo aad mooddo inay ku jiraan xeryo qaxooti, markaad eegto dhismaha burbursan ee ay hadhsanayeen, nafaqadarada ka muuqata iyo nadaafad-xumada.

Waxa kale oo kala duwan cuntada huteelada lagu kariyo. Tusaale ahaan huteelkii iigu horreeyey ee aan tago ama aan ka qadeeyey oo la yidhaahdo Al -Xayaat, kuna sii jeeday badda, waxa lagu qiyaasi karaa mid ka mid ah hudheelada wax laga cuno kuwa ugu sareeya, xagga nadaafadda iyo tayada cuntada iyo qiimaha jaban ee aanan ka filayn, halka huteel kale oo magaalada dhexdeeda ku yaallay cuntadiisa iyo nadaafaddiisu kala fogaayeen, oo meel qashin ka buuxo dadna wax ku cunayaan aad garan karto muuqaalkeeda.

Kaddib markii aan ka baxnay magaalada waxan u baxay dhinaca garoonka diyaaradda oo aan ku sugaynay diyaarad la yidhaahdo African Express. Garoonkaasi waxan u sii maray jid dhinacna ka wanaagsan dhinacna ka xun balse aan wax dhib ah nagu haynin.

Garoonkii oo toban km magaalada u jira markaan gaadhnay wakhti xagaa ah, waxan ogaaday in garoonkaba dhawaan uun la habeeyey ee aanu awal hore jirinba. Meel la hadhsado maleh, makhaayad dadka safarka ka yimi iyo kuwa u baxayaa wax ka cabbaan ma laha, dukaan malaha iyo wax qabow oo dadka halkaa ku sugnaa ay ku sugi karaan qaboojiyaha diyaaradda iman doonta saacado dabadeed, waxaanad ku khasban tahay inaad cabto biyo kulul iyo iskiriin oo talaajad yar ku haysto nin dhallinyaro ah oo degaankaasi ah kaas oo qiimo aad u sarreeya kaa siinaya waxaad cabto oo aan kala doorasho lahayn.

Berebera garoonkeeda diyaaraduhu waa garoonka keliya ee aan ku arkay gaadhi ambulance ah, ku dabdemis ah iyo kan dabka siiya diyaaradaha. Wakhtigaa waxa ku dhacday diyaarad ay lahayd shirkad reer Kenya oo Boosaaso dawooyin loo waday garoonka laga daabulayey. Shaqaalaha meesha joogaa waa dad inta badan aad ka arkayso xishood aanay lahayn qaar ka mid ah shaqaalaha garoomada diyaaradaha Hargeysa ama Boorama, siiba haweenka joogay halkaasi.

Meesha dayuuradaha rakaabku ku sugaan ayaa waxa ku qoran 'Rooma maalin laguma dhisin" oo aan u macnaystay weli qabyo ayaanu nahay. Waxase aan yaabay dadka ka shaqeeya sarrifka iyo immigrationaka oo aad mooddo inayna weligood xafiisyo ka shaqaynin markaad eegto farta ay qorayaan iyo sida baasabooradu uga kala hallaabayaan marka rakaabku dayuuradda saarani ku soo butaacaan, waxanad isgaadha dadka oo aanad kala garanayn shaqaalaha, mukhalasiinta iyo qaarkood iyagu isku cannaananayaan dib-u-dhacan iyo khalkhalka jiray.

Si kastaba ha ahaatee muuqaalkii iigu dambeeyey ee Berbera iyo kan maanta aan ku soo arkay ayaa sidaa iila ekaa, isla markaana aad u kala duwanaa.
 

 


Uganda Oo Qaramada Midoobay Ka Codsatay Inay Kala Wareegto Hawsha Nabad Ilaalinta Somalia

New York, September 5, 2007 (W. Wararka) – Ergayga u fadhiya Qaramada Midoobay dalka Uganda ayaa u gudbiyey qaramada midoobay codsi ku saabsan inay qaramada midoobay kala wareegto ciidanka sida ugu dhakhsaha badan nabad ilaalinta Somaliya.

Ergaygaas oo ka hadlayay xarunta Qaramada Midoobay ayaa waxa uu yidhi “Ciidamadayadu waxay u soo dhabar adaygeen intii ay joogeen dalka Somaliya dhibaatooyin farabadan, balse imika wixii ka dambeeya ma awoodno inay sii joogaan, siina wadaan hawlaha nabad ilaalinta ee dalka Somaliya, maadaama oo ay dalalkii ku yaboohay inay keenayaan ciidamo nabad ilaalina ay ku guul-dareysteen. Markaa hadda waxa la gudboon inay nagala wareegto hawlaha nabad ilaalinta ee ay ciidamadayadu ka wadaan Somaliya”.

Hadaladan ka soo ergayga qaramada midoobay u fadhiya Uganda ayaa waxa uu dhabar jab ku yahay xukuumada Imbagaati, maadaama ciidamada AMINSON ay goobo muhiim ah u joogaan, kana mid yihiin Madaarka Muqdisho iyo Dekeda, isla markaana ay gacan ka geystaan hawlaha amniga goobo ka mid ah magaalada Muqdisho, halkaas oo ay joogeen muddo sanad ka badan.

Sidaas darteed, waxay dawladda Imbagaati aad uga werwersan tahay haddii ay ciidamada Uganda ay ka baxaan Muqdisho, iyada oo aan cid soo bedeshana la hayn, ay taasi caqabad iyo burbur u horseedi doonto xukuumadaas Imbagaati ee tamarta daran.

 


Suxufiyiin Ka Qaxay Muqdisho Oo Ku Xaniban Xuduudka Kenya Iyo Somaliya U Dhexeeya

Muqdisho, September 5, 2007 (W. Wararka) – Ururka Suxufiyiinta Somaliyeed ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taakuleeyaan suxufiyeen tiradoodu dhan tahay 30 suxufi oo Somali ah, kuwaas oo sababo nabaddgelyo awgood uga cararay magaalada Muqdisho, ayaa ku xaniban xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Somaliya.

Ururka Suxufiyiinta Somalida ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii suxufiyiinta loogu fidi lahaa magan gelyo, si noloshooda loo badbaadiyo.

Waxaanay arintani ka dambeysay iyada oo muddooyinkan u dambeeyey ay magaalada Muqdisho ay ka soo baxeen kooxo aan la garanayn oo targed ka dhigtay dilka suxufiyiinta ka hawl-gala halkaasi, taas oo bilihii u dambeeyey lagu dilay ilaa todoba suxufi, lana garanayn cidii falalkaasi geysatay, iyada oo dhinacyada isku haya maamulka Muqdishana ay cadaw u aragtaan saxaafada ama suxufiyiinta, sidaas awgeed tacadiyo badan loogu geysato iyaga oo gudanaya shaqadooda.
 

Top


Taliyaha Ciidamada Imbagaati Oo Yimid Laas-Caanood

Laas-caanood, September 5, 2007 (Haatuf) – Taliyaha ciidamada Imbagaati iyo wefti uu hogaaminayo oo dhinaca milatariga ah ayaa shalay soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee dalka Somaliland.

Taliyaha ciidamada Imbagaati Gen. Salax Xasan Jaamac iyo saraakiisha ku weheliya socdaalkooda ayaa la sheegay inay kulamo la yeesheen saraakiisha ciidamada Puntland ee jooga Laascaanood, kuwaas oo ay hore ula wareegtay xukuumadda Imbagaati.

Ujeedada ugu weyn ee taliyaha ciidamada Imbagaati uu ku yimid Laascaanood ayaa lagu sheegay inay tahay kormeer dhinaca ciidamada ah, waxaanu warku intaas ku daray in taliyaha ciidamada Imbagaati iyo weftigaas ay booqdeen xeryaha ciidamada Puntland ay ku leeyihiin magaalada dibadeeda oo ay ku jiraan kuwo jiidaha hore ee ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo muddo saddex sanno laga joogo halkaas dagaal ku dhexmaray.

Weftigan ayaa waxay joogi doonaan Laascaanood muddo yar, waxaanay mudada ay joogaan ay shirar la yeelan doonaan saraakiisha ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay Laascaanood.

Top


“Annagu Waxaanu Qabnaa In Qaraaradii Guddida Dhexdhexaadinta Sidooda Loo Fuliyo, Meel Uu Cafis Kaga Yaalayna Muu Jirin”
Afhayeenka Ururka Qaran – Maxamed Cabdi Daa’uud

Hargeysa, September 5, 2007 (Haatuf) – Afhayeenka urur siyaasadeedka Qaran Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa sheegay in mawqifka ururkoodu uu yahay in la fuliyo qaraaradii ka soo baxay guddida dhexdhexaadinta ee ku saabsanaa in hogaamiyeyaasha ururkooda ee xabsiga Mandheera ku xidhan xoriyadooda loo soo celiyo, isla markaana qadiyada urur siyaasadeedkooda dibada lagu eego, isla markaana sheegay in aanay aqoonsanayn ama aanay khusayn arrimo la xidhiidha cafis iyo saamaxaad.

Afhayeenka ururka Qaran Mr. Daa’uud waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf khadka telefoonka kula xidhiidhay, kaas oo ku cadeeyey mawqifka ay ka taagan yihiin go’aanadii ka soo baxay guddidaasi iyo kulankii ay la lahaayeen ergada dhexdhexaadintu maalintii doraad madaxweyne Rayaale oo ay guddidu ku hungowday, isaga oo afhayeenku arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka u horeysa, waxaanu aad iyo aad uga xunnahay hungada la sheegay inay guddida dhexdhexaadintu kala kulantay kulankii ay rabeen inay madaxweyne Rayaale kula yeeshaan qasriga madaxtooyada, wax la filayayna may ahayn, hase ahaatee waxaanu aad uga xunnahay qodobkii khusaynayay sii-daynta hogaamiyeyaasha qaran oo aanu doonaynay inuu ugu horeeyo ayaa waxa nasiib darro ah inuu dib u dhac ku yimid, wax la isku ogaana may ahayn in sidaasi ay u dhacdo.

S: Waxa la sheegayaa in madaxweyne Rayaale sii daynta hogaamiyeyaasha qaran uu u marayo dariiq uu cafis maxbuus ah, arintaa sideed u aragtaa?
J: Waxaasi wax laysku ogaa iyo wax qaraaradii ka soo baxay guddida dhexdhexaadintaba haba yaraatee meelna kagamay qornayn cafis ha lagu sii daayo, waxaase ku yaalay oo kaliya in la sii daayo hogaamiyayaasha xidhan, arintoodana dibada lagu eego. Qadiyada urur furashada siyaasada iyo in aanay wax kulano siyaasadeed h abaabulin inta hawshaasi socoto, sidaas darteedna arimaha ururada siyaasada furistooda waxaad moodaa sida qaraarka ka muuqata inuu madaxweyne Rayaale ogolaaday in wada tashi laga yeesho furista ururadaasi, maadaama uu dastuurka qaranku cadaynayo furista ururada siyaasadana dembi ma noqon karto urur siyaasadeed oo la furo, ragga ku hadaaqaya cafis iyo saamaxaad haloo fidiyana waxaanu qabnaa inay yihiin lixdii madaxa cadayd, anaga mawqifkayaga kuma jirto marnaba arrimo cafis, balse waxaanu qabnaa in go’aanadii guddida dhexdhexaadinta sidooda loo fuliyo.
 

Top


Boobka Baloodhka Hooyo Canab Iyo Lugta Uu Kula Jiro Wasiirka Dib U Dejintu

Hargeysa, September 5, 2007 (Haatuf) – Hooyo Canab Cali Xuseen waa 80 jir hooyo goblan ah oo reer Somaliland. Waxay degen tahay caasimadda Hargeysa.

Hooyadani waxa ay baloodh ku yaala Hargeysa ka iibsatay ninka ma gaciisa la yidhaahdo Cismaan Maxamed Xuseen 27/08/2001. muddo haatan laga joogo lix sannadood sannadood iyo sagaal maalmood. Hase yeeshee markii ay isku dayday inay sharciyaysato ayay halkii ugu tagtay, waxa loo sheegay in laga iibiyay Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Abshir Axmed Xasan.

Sida ku cad warqad uu wakiilka Hooyo Canab u qoray xafiiska Xeer Ilaalinta, Wasiir Abshir waxa uu warqad cadayn ah oo uu ku hagaajiyay CID-da ku sheegay inuu baloodhkii ka iibiyay nin magaciisa la yidhaahdo Baraar.

“Aniga oo ah Mawliid Ismaaciil Odowaa, wakiilna u ah dacwootada Canab Cali Xuseen, oo ah qof waayeel ah oo aan ka soo kici Karin, sariirtana ay taalo, ayaa waxa jirta in nin la yidhaahdo cismaan Maxamed Xuseen inuu ka iibiyay Baloodh markii ay taariikhdu ahayd 27/08/200 1, isla markaana uu ka iibiyay mar labaad ninka la yidhaahdo Abshir (W. Dib u dejinta) xafiiska CID-da Hargeysa uu cadayn ka soo qoray wasiirka. Mar saddexaad baloodhkii Abshir wuxuu ka iibiyay nin la yidhaahdo Baraar, isla markaana cismaan Maxamed Xuseen ayaa baloodhkii labada jeerba iibiyay haatana marag ka noqday.

Arrintaasi ayaa xeer Ilaaliyaha Gobolku uu yidhi madani ka dhiga, taasi oo aan suurta gal ahayn.

Sidaas darted, waxaan codsanaynaa in kiiska ciqaabtiisa loo daayo, meesha la xayiro”.
Hooyo Canab oo weriyayaal ka tirsan Haatuf shalay gurigeeda ku booqdeen ayaa iyada oo sariirteeda jiifta, ka warantay, sida ay wax ugu dhaceen, waxaanay tidhi. “Hooyo halkan aad joogto ayuu iigu yimid ninka la yidhaahdo Baraar ee la sheegay inuu wasiirku baloodhkii la iga iibiyay ka sii iibiyay, markii aan weydiiyay maxaa kugu kelifayna waxa uu igu yidhi, waa islaan caga la’ oo ma kici karto’e iska qaado baloodhkan, markaa haatana waan ku soo eegayay. Dabadeedna waxa aan ku idhi, hooyo aniga caga la’aanta iyo tukubahayga da’ baaba keentee, waxaase dhego la’ oo Indha la’ oo oo qalbi la’ ka dhul aanu lahayn oo uu ogyahay kaa iibiyay ee ku noqo, ka dibna inta uu aamusay ayuu yidhi, waa laguu bedeli ama meel kale ayaa laguu raadin, waxaanse idhi aniga la ii bedeli maayo laakiin halkii aan iibsaday ayaan doonayaa ee adigu meel kale doono”.

Ninka hooyo Canab iyo Wasiir Abshir ka wada iibiyay baloodhka keli ahi waxa uu haatan ku xidhan yahay xarunta C ID-da ee Hargeysa muddo ku dhaw lix maalmood, laakiin intaasi uu xidhnaa mar keli ah maxkamad lama horgeynin, iyada oo ay ugu wacan tahay Wasiirka Dib u Dejinta Somaliland oo isagu ku lug leh arrimahan, isla markaana qiranaya inuu isagu faraha kula jiray, sidaasi darteedna aan ogolayn in maxkamada la keeno oo si furan loo dhegeysto, sababta oo ah haddii ay dhacdo in maxkamadda la horkeeno waxa soo baxaysa lugta uu wasiir Abshir ku leeyahay boobka baloodhka hooyo Canab.
 

 


“Wasiiru-Dawlaha Caafimaadku Wuu asiibay isbedelka Caafimaad ee Gobolka Togdheer”

Weedhani waxay ka mid ahayd hadalada ay qaar ka mida dadweynaha reer Burco ku soo dhoweeyeen isuduwaha caafimaadka gobolka Togdheer, Dr Aadan Malay oo toddobaadkan xilka la wareegay iyada oo caafimaadku yahay meelaha ay had iyo goor dadku aad uga cawdaan laguna dhaliilo xukuumadda.

Muddo laga joogo toddobaad iyo badh ayaa wasiiru dawlaha caafimaadka Somaliland uu saraakiishii caafimaadka gobolka Togdheer isbedel ku sameeyay isaga oo xilka ka qaaday isuduwihii hore Dr Cabdi Yaasiin, isla markaana isu-duwaha cusub ee gobolka ka dhigay Dr Aadan Cilmi Diiriye (Dr Malay) oo waqtigan xilka cusub ka hor ahaa madaxa talaalka ee gobolka Togdheer, horena u ahaan jiray isu-duwaha caafimaadka gobolka Togdheer, waqtigaa oo ahayd waqtigii Magaalada Burco la soo galay, dhakhtarka Burcona uu ahaa kharaabada ayaa waxa uu ahaa ragii kala soo kifaaxay meesha dhulka ah haddana waxa aanu u aragna in uu hawlaha caafimaad ee gobolka dardar gelin doono, iyada oo Caafimaadka gobolku uu hada marayay meel dhulka ah. Waxa kale oo uu Dr. Malay ahaa ragii wakhtiga adag naftooda dalka u huray siiba isaga oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii mujaahidiinta ahaa ee markay dhakhtaradu dhulka ahaayeen xilka loo dhiibay ee qaybta laxaadka leh ka ciyaaray.

Sidaa daraadeed anaga oo ka mida waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo mujaahidiinta gobolka Togdheer, ahna muwaadiniin jecel wanaaga dalkooda ayaa waxa aanu wasiirka ku hambalyaynaynaa isbedelka uu saraakiisha caafimaadka ee gobolka ku sameeyay, isuduwaha cusubna waxa aanu leenahay marka ay cidhiidhiga gasho nin adag ayaa ka saara ee caafimaadka gobolka kor u qaad oo dadkaaga si daacada ugu shaqee oo wax ka qabo xaaladda caafimaad ee ay bulshadu maalin walba ka cabanayso.

Qaar ka mida magacyada qoraalkan ku saxeexan
Jaamac Axmed Maxamed
Faarax Xuseen Maxamed
Maxamuud Ismaaciil Cali
Axmed Cabdi Saalax
Maxamuud Cabdullaahi Ciise
Maxamuud Axmed Cabdi
Axmed Ibraahin Maxamed
Cismaan Seeraar Xuseen

 

Top


WARSAXAAFADEED BEENIN

Aniga oo ah gudoomiyaha urur siyaasadeedka HORSEED waxaan halkan ugu soo gudbinayaa Bulshada reer Soomaliland in urur siyaasadeedka dhalinyarada Somaliland ee HORSEED beryahanba ku mashquulsanaa dib u habaynta iyo fidinta ururka dalka iyo dibadiisaba oo maalmahanba ay shirar uga socdeen huteelada magaalada.

Urur siyaasadeedka horseed waxa uu dhawrayaa xuquuqda siyaasadeed ee Asxaabta qaranka iyo ururada siyaasadeed ee dalka ka abuurmay ee aanu ka midka nahay isla markaana waxaanu ka codsanaynaa Axsaabta in ay dhawraan xuquuqda ururkan kana daayaan wixii faro gelin ah ee wax yeelaaya jiritaanka ururka.

Waxaanu raadinaynaa oo naga go’an in la helo dhalinyaro u tartanta siyaasadda dalka lana nasiyo maskaxaha daalan ee ilaa 60kii shaqaynaayey, isla markaana waxa uu diyaar u yahay in la taageero qofkasta oo dhalinyaro ah oo doonaaya in uu dalkiisa wax u qabto ama qaato roolka uu kaga jiro dalkiisa.

Waxaan ka raali gelinayaa Saxaafada dalka iyo Dadwaynaha reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarada meel kasta oo ay ku noolyihiin hadalka ay qoreen nimanka sheegtay ururka, nimankaas oo aan ururka ka mid ahayn wax xil ahna aan u hayn ururka sida ku cad warqada xilkaqaadista ee sumadeedu tahay SYPC/HOR/00001/07 kuna taariikhaysan 02/09/07 isla markaasna shir loo dhan yahay xilka lagaga qaaday, nimankaas oo kala ah Ibraahim Jirde, C/risaaq Maxamuud Saleebaan iyo Cali Axmed Xasan nimankaas oo ku kacay arimahan soo socda.

1. Guruubaysi iyo iska horkeenka ururka dhexdiisa ah
2. Qabyaalad ay ururka ka dhex abuureen.
3. Colaad ay ururka isu geliyey.
4. Musuqmaaq balaadhan lunsadeena hanti ururku leeyahay.
5. Ku dhaqmid la’aan sharciga u dejisan ururka
Sidaas daraadeed markii aan eegay sharciga ururka qodobadiisa 5, 7, 19, 71. qodobadaas oo cadaynaya in xubintii ku kacda arimahaas kor ku xusan in ay ururka debeda ka tahay oo uu sidaas sharcigu ku eryay.
Sidaas daraadeed waxaanu marlabaad u sheegaynaa bulshada in aanay ku hadli karin afka ururka kuna hadli karin
GUDOOMIYAHA HORSEED
C/risaaq Maxamuud Jaamac (C/risaaq aar)

Top