|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 1532 | Sep.27,2007 | |||||||||||
|
Sh Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Reer Berbera U Cadeeyey
In Uu Madaxweyne Xisbiga UDUB Ah Ka Sharaxan Yahay
Wefti Ka Socda Dawladda Mbagathi Oo Booqasho Ku Yimi Majeerteenya ODHAAHDA AKHRISTAHA: Sheeko Dhexmartay Marxuum Cigaal, Rayaale Iyo Dadwenaha |
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Sheekh Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa habeenkii arbacadu soo galaysay ee bishu ahayd 25/09/07 magaalada Berbera u yimi furitaanka wershada laydhka Berbera iyo dhagax dhigida xero xoolaha lagu baadho ama lagu hakiyo inta maraakiibta la saari lahaa loo diyaarinaayo... Sh Axmed Yaasiin furitaanka
xarumaha dawlada kadib ayuu shir isugu yeedhay odayaal iyo wax garad ka
tirsan deegaanka G/Saaxil Berbera oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Sh Axmed waxa uu reer Berbera ku yidhi waad ku mahadsan
tihiin in aad ii codaysaan 2003 anigoo u sharaxnaa madaxweyne ku xigeen,
maantana waxaan idinka doonayaa in aad sidii oo kale iigu codaysaan anigoo
u sharaxan madaxweyne, siday ii xaqiijiyeen goojooga yaal shirkaa ku
sugnaa sh Axmed Yaasiin aad iyo aad ayey ugu taageereen odayaashii iyo wax
garadkii halkaa kula kulmay waxaana ay u balan qaadeen in ay bulshada reer
Berbera sanadkan 2008 waxaan madaxweyna ahayn aanay u codayn doonin,
waxaana ay isaga ka codsadeen in uu arintaa aad iyo aad uga hawl galo oo
sidii uu u noqon lahaa musharax madaxweynaha ee xisbiga UDUB falaw geed
galo, Hadaba dadweyanaha
reer Berbera ayaa in dhawaydba hadal hayey in ay jirto arintaa sh Axmed
Yaasiin ee ah in uu sharaxan yahay jagada madaxweyne, laakiin maanta ayey
u cadaatay in ay jirto kadib markii uu afkiisa ka yidhi waan sharaxan ahay
oo waxaan u sharaxan ahay madaxweyne,,,,
Berbera, September 27, 2007 (Haatuf) – Wershaddii Laydhka Berbera ee furitaankeedii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, xadhigga ka jaray habeen hore, kadib markii uu socdaal ku tegay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.ayaan ilaa hadda guuxeeda lahayn oo aan magaalada dab u shidin. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, Axmed Aadan Dheere, ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda, maamulka gobolka iyo ka degmadaba iyo xataa maamulka wershadda oo sheegaya sababta aanay wershadu u shaqayn, isla markaana guuxeedu aanu uga dambayn xafladii furitaanka ee habeen hore lagu furay. Hase yeeshee sida ay sheegeen ilo u dhuun-daloola maamulka wershadda, ayaa sababta ay u shaqayn wayday wershaddu ku tilmaamay khilaaf iyo is-af-garanwaa u dhexeeya xukuumadda iyo saamileyda shirkadda BEE oo ah shirkadda laydhka Berbera ilaa hadda u shidda, khilaafkaas oo sida la sheegay ka dhashay kadib markii ay saamileyda shirkaddaasi ka biyo-diiday qaabka ay xukuumaddu u doonayso in saamiga wada-lahaanshaha shirkadda laydhka loo wadaagayo, taas oo sida ay tibaaxeen wararkaasi aanu caddayn qaab-xisaabeedkeeda, qiimaha saamiga lagu gelayo iyo hantida guud ee ay ku kacday wershadda laydhku. Inkasta oo ay habeen hore Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha Saamileyda shirkadda BEE kulan ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Berbera, haddana siday Haatuf u xaqiijiyeen ilo ku dhowdhowaa kulankaas, kama soo bixin wax heshiis ahi wada-hadaladii ay labada dhinac yeesheen, iyadoo ay saamileyda BEE u qadimeen Madaxweyne ku-xigeenka inaanay ku qanacsanayn qaabka ay xukuumaddu u soo dhigtay, balse ay doonayaan wax cad oo qoraal ah oo lagu wada-qanci karo, walow ay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah lahaayeen xubnaha saamileyda BEE gudahooda, haddana ma jirin waxba layslama meel dhigin, iyadoo qaar ka mid ah saamileydu xafladdii furitaanka ee wershadda ka sheegeen inay ku wareejiyeen wershadoodii xukuumadda oo wixii habeenkaas ka dambeeya bulshada reer Berbera kala xisaabtamaan laydhka xukuumadda, balse taasi may dhicin oo laydhkii waxa magaalada weli u sii shidda shirkadda BEE ee awalba shidi jirtay. Waxa kale oo ay wararku intaas ku dareen in gebagebadii kulankii Madaxweyne ku-xigeenka iyo saamileyda shirkadda BEE uu ku dhammaaday is-af-garanwaa, isla markaana ay Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisii intii aanay libdhadu ugu soo bixin magaalada Berbera afartii habeenimo guuro kaga soo baxeen kulankaas kadib, waxaanu madaxweyne ku-xigeenku halkaas ka soo tegay wershad mishiinadeedu guuxayeen, balse aan laydh ay meel kale u shido’e iska daayoo xataa gudaheeda Iaydhkii ka baxayay ahaa dabka shirkadda BEE ay siiso magaalada. Arrintan ayaa waxay ku abuurtay
bulshada reer Berbera dareen, kadib markii uu Madaxweyne ku-xigeenku hadal
uu ka jeediyay furitaankii wershadaas uu dadweynaha ugu balan-qaaday inay
inta ka hadhay bisha barakaysan ee Ramadaan laydhka loogu shidi doono
bilaash oo aan wax lacag ah laga qaadi doonin, hase yeeshee taasina ma
hirgelin maadaama aan wershadii uu xadhigga ka jaray wax dab ah shiddin
weli, arrintuna waxay markaas u muuqataa biyo sare tegay waa la sugayaa.
Hargeysa, September 27, 2007 (Haatuf) – Hawl-maalmeedkii xarunta guurtida ayaa la sheegay inay cadil-meen, ka dib markii uu xoghayaha guud ee golahaa C/laahi Dheere jeebka ku qaatay, lana dhoofay mafaatiixtii xafiiska xog-haynta oo ah xafiiska kala socod siiya hawlaha golaha, taasina ay keentay inay wax waliba xanib-maan, iyadoo uu C/laahi Dheere muddo toddobaad ah socdaal ugu maqan yahay dalka Uganda. Sida ay sheegeen warar xog-ogaal ah oo u dhuun-daloola xarunta golaha guurtida waxa xanib-may hawl-socod siintii maamul ee golaha, sida bixinta shidaalka, gunnooyinka iyo kharashaadka yar yar ee loo baahdo, iyadoo la sheegay in xataa la waayey waraaqihii cad-caddaa ee wax lagu qori lahaa oo ku qafillan xafiiska xog-haynta guud. Sida caadadu tahay marka uu qof masuul oo xafiis ama hayad u sareeyaa marka uu meel u socdaalayo waxa uu masuuliyaddii xafiiska ama hayadda ku sii wareejiyaa si uu hawsha u sii wado kuxigeenkiisa, sidaa darteed xog-hayaha guud ee guurtidu marka uu meel u dhoofayo waxay ahayd inuu hawshii xafiiska ku sii wareejiyo kuxigeenkiisa, laakiin taasi may dhicin, waxayna taasi keentay inay isku cayn iyo bayd-go’aan hawlihii maamul ee xarunta guurtidu. Xog-hayaha guud ee golaha guurtida C/laahi Dheere oo lagu tilmaamo nin awood badan waxa la sheegay inuu sida uu doono u maamulo hawlaha golaha guurtida oo ay wax waliba ku hoos jiraan gacmihiisa, oo uu xataa saamayn badan ku leeyahay hawlaha siyaasadeed ee golaha, isaga oo aan xubin ka ahayn golaha ee ah qof shaqaale ah. Waxa kale oo had iyo
goor soo baxa xogo-warreed oo farta ku fiiqaya inuu C/laahi Dheere ku
talaabsado wax isdaba marrin iyo mad-madow dhinaca maamulka ah.
Boosaaso, September 27, 2007 (Haatuf) – Wefti ka socda dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Somaliya oo ka kooban 22 xubnood ayaa maalintii shalay booqasho ku yimi magaalada Boosaaso ee Majeerteenya. Sida la sheegay weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dawladda Imbagaati Maxamed Maxamuud Guuleed, isla markaana ay weheliyeen wasiirka qorsheynta Imbagaati Cali C/laahi Cosoble, Taliyaha Ciidanka Bileyska Imbagaati Cabdi Xasan Cawaale iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Imbagaati, ayaa waxaa halkaas ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Majeerteenya Xasan Daahir Maxamuud (Af-qudhac). Weftigan lama sheegin ujeedada socdaalkooda, hase ahaatee sida la sheegay weftigaasi waxay isla markii ay ka soo degaan madaarka u gudbeen Tuulada Carmo, halkaas oo ay tababar ugu soo xidheen cutubyo ka tirsan ciidanka Bileyska Majeerteenya. Xubnaha weftigan oo badankoodu ka
soo jeeda degaanka Majeerteenya ayaa sida la sheegay la filayaa inay
maanta ahaan kulamo kula yeeshaan Boosaaso maamuleyaasha maamulka
Majeerteenya.
New York, September 27, 2007 (W. Wararka) – Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolos Zarkosy ayaa sheegay inuu Somaliya u soo dirayo markab dagaal, si ay u ilaaliyaan maraakiibta raashinka gargaarka ah u sida Somaliya. Mr Zerkosy ayaa sheegay in dalkiisu markab
dagaal u diri doono Somaliya si ay u ilaaliyaan maraakiibta sidda cuntada
gargaarka ah ee caalamiga ah oo laga badbaadiyo kooxaha budhcad badeedka
ah ee xeebaha Somaliya ka ugaadhsada. “France waxay diyaar u
tahay inay xaqiijiso amniga kaalmooyinka ay bixiso hay’ada cuntada
adduunka ee WFP, ee loogu deeqay dadka tabaalaysan ee Somaliya, sidaas
darteed waxaanu diyaar u nahay in aanu muddo laba bilood ah hawshaas aanu
fulino, anaga oo adeegsanayna ciidankayaga badda” ayuu yidhi madaxweynaha
Faransiisku oo ka hadlayay kulan ay lahaayeen golaha amaanka. Madaxweynaha Ghana, waxa uu halkaas ka sheegay in xaaladaha dagaal ee ka jira Somaliya ay yihiin kuwo ka awood badan ciidamada Midowga Afrika, taas darteedna loo baahan yahay inay qaramada midoobay la wareegto si hawlgalkani u guulaysto. Golaha
amaanka ayaa dhowaan u codeeyey in hawlgalka Somaliya waqtigiisa la
kordhiyo, waxaana laga gaadhsiiyey ilaa bisha February ee sanadka soo
socda.
“Anaga [UDUB] ahaan waxa naga go’an in diiwaangelin la
sameeyo, UCID-na way nagu raacsan yihiin, KULMIYE laftooduna waxba may
daadifaynayn”
Hargeysa, September 27, 2007 (Haatuf) – Gudoomiyaha Arrimaha Siyaasada ee
Xisbiga UDUB Cumar Jaamac Faarax, ayaa sheegay in aanay ka fursanayn in
diiwaangelin lagu sameeyo codbixiyeyaasha, ka hor inta aan la gaadhin
Doorashooyinka, isla markaana waxa uu beeniyay in ay hoos u dhacday
taageeradii xisbigoodu ku lahaa Gobolada Togdheer iyo Awdal. S: Sidee ayaad u
aragtaa xaalada siyaasadeed ee dalku xiligan ku jiro? S: Doorashooyinkii Golayaasha deegaanka waxa
wakhtigoodii ka hadhay bilo kooban, xisbiyada qaarna waxa ay sheegeen in
aanay ka qeyb-galayn, haddii aan la samayn diwaangelin, ma kuu muuqataa in
doorashooyinkii ku qabsoomayaan muddadaas yar?
S: Saddex bilood miyay diwaangelinta codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinku ku
wada qabsoomi karaan? S: Kulanka aad sheegtay
inaad Komishanka doorashooyinka aad la yeelateen, maxaad ka wada hadasheen? S: Waxa la sheegayaa in taageeradii xisbigiinu
ka haystay Gobolada Togdheer iyo meelo ka mid ah Gobolka Awdal ay hoos u
dhacday, arrintaasi soo ma aha arrin dhabar jab idinku keenaysa, marka la
gaadho Doorashooyinka? S: Ma
dhici kartaa sida xisbiyada kale, in marka la gaadho shirweynihiina in
xubno kale isu soo taagi karaan Murashaxnimnada hogaaminta xisbiga? S: Labadii Murashax ee Madaxweynaha
hore ula tartamay iyo wejiyo cusub oo yimaada, idinka UDUB ahaan kuwee
ayaa warwar idinku haya? S: Shirweynihiinii goormaa
uu qabsoomayaa?
Waa Sheeko Xambaarsan Farax , Murugo iyo Waayo Kala Duwan Intaa markay tidhi
inantii Luul ayay Saynab-na tidhi “waxaad tahay Luulleey gabadh samir leh,
samirkuna waa derajo sare waana fiican yahay, oo anigaa-ba yaabay markaad
igi tidhi, deg-degu ma-wanaagsana mar-marka qaarkood ee cagtaa loo dhigaa
waxaad naawilayso, waana la sugaa ee laguma Safaado, ka dib baan gartay
inay hadaladan aad ku hadlaysaa yihiin kuwo runna, qofka caynkaas u
dhaqmaana weligii ma Iisho” hadaladaa Saynab ka bacdi ayay Luul tidhi “oo
caawa waa raagay Cabdi-Caqli’e ma-meel kale buu tagay “ ka dib bay Saynab
u sheegtay inaanu meel kale tagin’e uu kolay imika soo socdo waxayna tidhi
“waxaa dhawaqyadaasi kaa keenayaa waa jacaylka iyo xiisaha aad u hayso
inanka, oo marka aad I leedahay wuu raagay ee xaguu tagay, waa
jacaylkaygii ma-aragtay, markaa anigu jacaylkaaga garan maayee ma-dhaafin
xilligii uu iman jiraye malaha Luulleey wakhtigaa iskaga kaa qaldamay’e
wuu ka dambayn jiray xilligan oo imika waa 9:00 saacadu, markaa alla muxuu
bahalkii jacaylka ahaa kula sare- tagay….qos-qosol labadooda ah ka dib bay
hadalkii sii waday Saynab, markaa waydin is-heli doontaane ha degdegin wuu
soo dhow yahay ee meel kale ma jiro” ayay tidhi Saynab iyadoo ku
dardaraysay qosol farxadi weheliso. Intaa ka dib baa Luul oo iyada
lafteeda aanay ka maqnayn farxada iyo qosolku oo aad madaxa ugu ruxaysa
hadalada ka soo yeedhayey saaxiibadeed Saynab ee ku jihays-naa xageeda,
kolkaaasay tidhi “Saaxiib Saynabeey hadaladaa aad igu lahayd waa run oo
marka aan ku leeyahay miyaanu iman waad iska garanaysaa oo waa jacalka aan
u qabo walaalkaa ee sidaa u ogsoonow, waxaanad taabatay halkii rasmiga
ahayd ee aan tabayey, oo si fiican-baad ula socotaa heerka uu marayo
daruurahan jacaylka sidday ee nagu dul-da’aya aniga iyo Cabdi-Caqli,
kaftanka wanaagsan-baana la isugu run sheegaaye waad-tidhi intii runta
ahayd, oo waxaad dul-dhigtay siday ahayd, waxaanad u dhigtay sidii uu
wiilku suugaanta gabadha ugu lahaa ereyadii ay ka midka ahaayeen: Intaa dabadeed Saynabeey xaal waa sidaase
wayse hagaagi doontaa oo imikana ma-xuma xaaladuhu, waxna inaga habsaami
maayaan waa xagayaga’e{anigiyo walaalkaa},.markaa sidii aan horaba kuugu
sheegay adiguna aad og-tahay-ba Cabdi waa nin lagu kalsoonaan karo” Luul
hadalka way sii waday oo waxay hadana intaas ku sii dartay oo ku tidhi
Saynab “adiga sidan aan arkaayo waa laguu soo socdaa oo waxa kuu soo socda
calafkaagii ayaan u malaynayaa Saynabeey oo farxadaada ayaa tayda ka sii
darane, ma sheeko aanan ogayn oo hoos-hoosa ayaad ku yara jirtaa oo
guur-doona, hadda cidi waxba iima sheegin ee aniga uun-baa sidaa u arkay,
waxna kugumaan ogeyne bal ii waran”. Luul iyo
Saynab labadooduba iyaga oo aad u qos-qoslaya habeenkaa, oo ay isla qireen
inuu yahay mid ay ku sugnaayeen farxad dheeraad ah sheekadana ku raageen
oo marba midi sheeko dahab badada soo dhigayso, oo si fiicana ay isku
dhegaysanayaan ayay mr qudha wada maqleen guuxa baabuur istagay guriga
hortiisa, kolkaaasay Saynab tidhi “malaha waa Cabdi” oo Luul-na tidhi
“waa-laga yaabaa inuu yahay Cabdi” ka dib baa albaabkii la garaacay oo
yidhi “iga fur walaal Saynabeey waa aniga’e” intaa ka bacdi waxay garteen
codkiisa oo laga furay guriga, Cabdi markuu arkay inay Luul iyaduna joogto
ayuu ku sii talo galay inuu hadhow sii dhoweyn doono, ka dib-na wuu
salaamay walaashii iyo gabadhii uu aadka u jeclaa ee Luul Haybe, bacda
salaan ka dib waxay hablihii iyo Cabdi ka wada hadleen xaga waxbarashada
iyo heerarka ay ka marayaan culuunta iyo dugsigii ay u balansanaayeen inay
galaan, waxanu Cabdi ku yidhi “
Waa sheeko dhab ah oo dhacdey xalay 26.09.07
BURCO:
Xil. Cawil Cali Sugule Golaha Degaanka Deg.Berbera Q. 2aad Haddaba markaynu dib u eegno doorashooyinkii goloyaasha deegaanka ee ka qabsoomay wadanka 2002, waxay Berberi ahayd mid ka duwan dalka intii kale sababahan awgood. Anigu waxaan ka soo baxay xisbiga UDUB ee talada haya, waxaanan ahaa numberka 8aad ee 21kii xisbiga UDUB uga qayb qaatay tartankii xisbiyadu ku tartamayeen kuraasta goloyaasha deegaanka dalka, waxay UDUB heshay 11 kursi oo aan ku jiro iyo dedaal naf iyo maal ah ka dib aanu bulshada ugu bushaaraynayno inay masiirkooda ugu doortaan si xaq ah cidii ay doorbidayaan kuna daba joogaan, lana xisaabtamaan horumar iyo dib u dhac waxay soo kordhiyaan, bulshadu waxay ka soo baxday waajibaadkii saarnaa si xor ah oo xalaal ah oo ay u doorteen 21kii xildhibaan oo ka taliya masiirkooda oo aan ka mid ahay, waanay ku mahadsan yihiin. Markii xisbi waliba soo dhejiyey magacyadii inta uu helayay ayaa noqotay inay 21kii sida distoorku dhigayo ee ku qeexan sida xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinku dhigayo ee xeer no 23 inay iska dhex doortaan gudoomiyaha duqa iyo ku xigeenka lana wareegaan dhamaan hantidii ay degmadu lahayd. Horaa loo yidhi ilaahayow nimaan wax ogayn ha cadaabin, isagoo distoorka iyo xeerka sidaa dhigayo oo wixii aan sidaa ahayn waa ina wax kama jiraan tahay oo qabiil laga guuray oo xisbiyo loo guuray ayaa markiiba waxaa soo baxay oo ay soo gudbiyeen madaxdii sar sare ee xisbiga UDUB, waa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisee maayarku waa inuu maxamed Ciise noqdaa, ku xigeenkuna Muuse Cabdale noqdaa. Waxa Berbera loo soo diray cuqaal iyo saraakiil sar sare oo xisbiga UDUB ka socda, arintaana waxaa sidaa jagadii gudoomiyenimo isu soo sharaxay xildhibaano aan ku jiro iskuna wada xisbiga UDUB ah, anigu waxaan ka soo jeeday beesha Aadan Ciise, afar kalena Maxamed Ciise, waxaanu is dheerayn iyagu way wada ogyihiin in la doonayo maayar Maxamed Ciise ah, aniguse waxaan moodayay doorasho xor ah oo aanu 21-kayaguba u siman nahay oo ay tahay sida distoorku dhigayo. Afarta musharax ee kale waxay ahaayeen sidan: Xasan Xaaji Maxamuud Warsame, Cabdale Maxamed Cali, Cabdi Jaamac Ducaale iyo Siciid Daa’uud Cilmi.
Markii aanu bilawnay inaanu iska dhex ololayno ayaa afartoodii mid waliba
ii yimi oo codkii isii igu yidhi, markaan ku idhaahdo musharax ayaan ahay
ayay ila yaabaan oo ay igu yidhaahdaan miyaanay tolkaa [Aadan Ciise] wax
kuu sheegin maayarka anagaa lehe, cidda waxaa fidinaysaa ee telefoonka ku
soo hagaysaa musharaxiinta afarta ah waa Madaxweynaha oo mid ka mid ah
wata iyo ku xigeenkiisa oo saddexda kale wata, hawshana ay uga masuul
yihiin Maxamed C/laahi Maxamed iyo Dr. Idiris Ibraahim Cabdi (Wasiirka
Xanaanada Xoolaha) oo aan wakhtigaa hayn jagada wasiirnimo, balse ahaa
xubno firfircoon ee Madaxweyne ku-xigeenka la maamulayay arrimaha golaha.
Hanbalyo dhamaan ardayda u fadhiisatay
imtixaanada qaranka, ee dhexe iyo sare. Hanbalyo inta ku guuleysatey.
Hanbalyo inta ugu sareysey. Tartan haddii la galo, waa hubaal oo waa la
kala badinayaa. Arday kasta natiijadiisu waxa ay ku xidhantahay qadarka
Eebbe. Marka la yimaadna, nasiibkiisa iyo dadaalkiisa. Waxa nasiibka
ardayda ka mid ah, jawiga aqalka iyo jawiga dugsiga.
Xaawa iyo Adam, fursadaha uma sina. Akhriska buugga, uma wada helaan waqti
isku mid ah. Nasashada iyo raaxada way kala badsadaan. Iyaga oo aqal
kaliya ku wada nool, ayay haddana laba calan ku kala hoos jiraan. Dhaqanka
iyo caadada soo jireenka ah, ayaa u kala hiiliyey. Geedkii jaahilnimada ku
baxay, ayuu Adam midho-midhaystaa. Xaawa waa ardayad, waana guri joog. Adam marka uu qadeeyo, dhalinyartiisa ayuu dhinac ka raacaa, ama waabu seexdaa. Laakiin Xaawa waxa ay maydhaa weelka. Waxa ay maydhaa, dhar wixii wasakh ah, ee aqalka yaal. Waxa ay kaawadaysaa dharkii Adam, iyo dharkii qoyska intiisa kale. Marka ay intaa ka soo jeedsato, waxa ay diyaarisaa cashada. Adam inta ay Xaawa rafaadsantahay, ama wuu hurdaa, ama casharkiisa ayuu akhristaa, ama saaxibaddii ayuu u tagaa. Xaawa, iyada ayaa adeegga aqalka ka mas’uul ah. Xaawa waxa ay ku jirtaa dugsi kale, oo ay hooyadu ka macalin tahay. Waxa loo sii tabobaraa daryeelka aqalka ay u dhixi doonto. Hooyada ayaa dusha kala socota, in aanay Xaawa basari noqon. Xaawa toddobaadku waa iskugu mid. Jimce ma laha. Xaawa adeegga aqalka iyo ka dibadda ayay u dhaxaysaa. Xaawa iyada oo daallan ayay dhinaca dhulka dhigtaa. Xaawa qoyska way ka hor toostaa, oo quraacda ayay diyaarisaa. Adam marka uu dhawr xabbo oo laxoox ah kaga tuuro, buugaagtiisa ayuu qaataa, oo dugsiga ayuu Xaawa uga horeeyaa. Marka la wada quraacdo, ayay Xaawa raadisaa halka ay buugaagtii, ay shalay dugsiga keentay, ku danbeeyeen. Xaawa waxa
dhagaheeda ka guuxa: Naa wiilka (Adam) maqsinka u soo xaadh. Naa wiilka
sariirta ka soo googol. Naa wiilka shaah u ge, wax ha akhristee! Naa
wiilka warkiisa maqal. Naa wiilka faraxalka u gee. Naa wiilka quraacda u
gee. Naa wiilka………Naa wiilka. Natiijada Adam, miyaanay Xaawa badh lahayn? |