Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1551 Oct.19, 2007

“Hawiyaha Iyo Majeerteenku Way Isku Marran Yihiin, Dadka Reer Somaliland-Na Waa Sidaas Oo Kale”
Waraysi- Axmed Cabdi Xaabsade

Wufuud Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland U Sii Qul-Qulaya Dhinaca Laas-Caanood

Boosaaso: Bileyska Majeerteenya Oo Faraha Kaga Gubtay Koox Hubeysan Oo Xaafad Isku Urursaday Inkasta oo xataa Madaafiic lagu garaacay haddana ilaa hadda laguma guulaysan in laga takhaluso

Socdaalka Cadde Muuse Ee Gaalkacayo, Weftiga Dawladda Mbagathi Ee Baydhabo Ka Soo Fool Leh Iyo Dhaqdhaqaaqyada Dhiillada Xanbaarsan Ee Majeerteenya

Mid Ka Mid Salaadiinta

Haweenka Xisbiga KULMIYE Oo Wasiirka Gaashaandhigga Guddoonsiiyey Timir Ay Ugu Deeqeen Ciidanka Jiidda Hore

Maxaa Laga Ogyahay Ujeedada Ra’iisal-Wasaare Geedi Loogaga Yeedhay Itoobiya

Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Caritas Switzerland Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

“Xukuumaddu Waa In Sharciga Horkeentaa Saraakiisha Iyo Hawl-Wadeenada Hay’addaha Fulinta Ee Geysta Xad-Gudubyada Xuquuqda Aadamaha”

DALJIRE: (Waraysiga Sanadka… “Rayaalow Runta Sheeg” Q: 2aad)

“Dhaawacii Hogaanka Caafimaadka Bileyska Iyo Askartiisu Noo Geysteen Meel Aanu Uga Ashkatoono Garan Mayno”
Gudoomiyaha UCID ee gobolka Hargeysa

Masuuliyiinta Caafimaadka Somaliland Oo Daadefeeyay In Xanuun Laga Qaadi Karo Maro Kaneecada Daawaysan


“Hawiyaha Iyo Majeerteenku Way Isku Marran Yihiin, Dadka Reer Somaliland-Na Waa Sidaas Oo Kale”
Waraysi- Axmed Cabdi Xaabsade

“Biindhow Hadii Aad Wax Isla Hayso Garoowe Difaac”- Badhasaabka Sool- Cali Sandulle

Laascaanood, October 19, 2007 (Haatuf) - “Somaliland Waxan Leeyahay Meesha Dagaal Ayaa Yaal Oo Waxa La Iska Soo Abaabulayaa Min Federaalkii, Boosaaso Ilaa Garoowe, Idina Xoog Iyo Xoolo Mid Uun Keena Oo Hana Daawanina,” Sidaa waxa yidhi, Axmed Cabdi Xaabsade oo waraysi khaas ah xalay khadka telefoonka ku siiyay Wargeyska Haatuf, kaas oo uu kaga waramay xiisadda colaadeed ee uu maamulka Majeerteenya u hurinayo, aragtida iyo damaciisa siyaasadeed ee ku aadan Somaliland iyo weliba wada-hadalada isaga iyo Xukuumadda Somaliland u dhexeeya.
Hase yeeshee, Mr. Xaabsade ugu horeyn isaga oo ka hadlaya xaaladda magaalada Laas-caanood waxa uu yidhi: “Xaaladda magaaladdu haatan waa mid lagu kala adkaaday, qoladii laga adkaaday waxay tageen xaggaa iyo Garoowe, inkasta oo ay iska jiraan kooxo meelo soke joogaana. Magaalada hadda hawlo ayaa ka socda la xidhiidha is-abaabul dhinac walba leh, waxaana jira shirar iyo wada hadalo la doonayo in maamulka magaaladu lagu dhiso, waxaananu haatan samaynay wax badan, sida guddi isku dhaf ah, ra’yiga aanu dadweynaha u jeedinaynaana waxa weeye in aanu dagaalku u wanaagsanayn magaalada iyo shacabka toona”.

Hase yeeshee Xaabsade oo la weydiiyay inay haatan ciidanka Qaranka Somaliland ku jiraan gudaha magaalada Laascaanood iyo in Maleeshiyo-beeleedkii ku jirto waxa uu yidhi. “Magaalada haatan waxa ku jira maleeshiyada, ciidanka Qarankuna dhinac walba 12km ayay u jirtaa”.

“Aragtida aanu dadweynaha halkan Laascaanood jooga iyo kuwa halkaa (Hargeysa) joogaba waxa aanu leenahay inay hantaan dhulkooda, sharcigana ku dhaqmaan, isla markaana arrinta laga saaro siiqada qabiilka, oo xeer lagu dhaqmaa, ilayn xeerkii iyo qabyaaladii is-qaban maayaane, sidee baa loo odhan karaa dastuur iyo qabiil baa is-qabanaya” ayuu yidhi Xaabsade.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd: “Waxa la isweydiinayaa horta Xaabsade imika Somaliland mucaaradkeeda iyo muxaafadkeeda xagguu u dhaw yahay?” waxa uu Mr. Xaabsade kaga jawaabay “Anigu horta marka hore xisbi ma ihi, haddase dawladaan la shaqeeyaa, oo ciidan wanaagsan oo beryihii iigu dambaysay aanay lahayn, Puntland-na aanay lahayn, dawladdii hore ee Somalia-na waqtiyadii dambe aanay lahayn ayay leedahay, taasi oo la moodo inay tahay waxoogaa ilbaxnimo ah oo la gaadhay, isla markaana la odhan karo waa guul lagu faani karo”.

Waxa kale oo Mr. Xaabsade la weydiiyay su’aal u dhignayd: “Maadaama oo aadan haatan xisbina ka tirsanayn waqtigana ay dalka ka jiraan saddex xisbi Qaran, ma laga yaabaa inaad la timaado aragtida ah si aan xisbi u samaysto waa in ururadii siyaasadda dib loo furaa?” Waxaanu ku jawaabay, “Kolay markaan imaado talooyin badan oo aan la imanayaa way jiraan, oo Somaliland aad ayaan u danaynayaa inay wax noqoto oo sharciga lagu dhaqmo, markaa bal aynu eegno markaan imaado, haatanse waxaan joogaa dacalkii oo dagaal ayaa igu socdo”.

Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayay su’aal ahayd “Wararka qaarbaa sheegaya in qolyihii wasiiradda ahaa ee aad dhawaanta ku kulanteen magaalada Oog, aad ku tidhi, Nimanyahaw is-garan mayno’e si ay wada hadaladeenu midho dhal u noqdaan bal horta iigu yeedha raggii aanu is-garanaynay?” inta uu aad u qoslay waxa uu yidhi: “Maaha arrintu sidaasi, waxa aan la kulmay waxay ahaayeen rag macquul ah oo odayaal ah runtii, wax badana aanu ka wada hadalnay”.

Mar kale ayaa haddana la weydiiyay: “Tan iyo intii aad timid halkan ma jiraa wax xidhiidh ah oo idin dhexmaray adiga iyo Madaxweyne Rayaale, waxaanu ku Mr. Xaabsade ku jawaabay: “Haa oo waanu wada hadalnay.” “Oo maxaad ku wada hadasheen,” ayaa haddana la weydiiyay waxaanu yidhi: “taasi su’aal maaha”

Waxa kale oo Mr. Xaabsade la weydiiyay su’aal ahayd: “Warar kale ayaa jira oo sheegaya Madaxweyne Rayaale markii aad wada hadasheen waxyaabihii uu kula soo qaaday waxa ka mid ah inaad qabato jagada Gudoomiyaha Guurtida, taasi ma jirtaa?’ waxaanu su’aashaas kaga jawaabay “Maya ilama soo soo qaadin mana jirto wax la ii soo bandhigay, anigaanba hadda u jeedin.”

“Waxa aad ka warantaa imika ma isleedahay aad ka qayb gashid xukuumaddan Madaxweyne Rayaale” ayaa hadda la weydiiyay Mr. Xaabsade, waxaanu kaga jawaabay su’aashaas oo uu yidhi: “Adeer haatan aragtida halkan taalaa mansab maaha ee waa difaac, iyo diyaar garaw meel walba ka socda”.

Waxa kale Mr. Xaabsade la weydiiyay ka hor intii aanad ka tegin Somaliland waxa jiray qolyo siyaasiyiinta ah oo aad isku aragti dhawaydeen, qolyahaasina haatan waxay u badan yihiin mucaaridka, markaa tan iyo intii aad soo noqotay ma jiraa waxa xidhiidh ah oo idin dhexmaray”, waxaanu kaga jawaabay “Maya ma jiro adeer weli.”

Mr. Xaabsade mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay hadal shalay laga siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da oo uu wasiir Puntland ah oo ka soo jeeda degaanka Laas-caanood ku sheegay in Laas-caanood ay qabsadeen dad meelo kale kaga soo duulay, waxa uu yidhi: “Waa nin iyo aragtidii, waxaanan u arkaa Dhidar Onkod kiciyay, waanay ogaayeen dagaalkii ugu dambeeyay ee halkan ka dhacay inuu qaatay saacad oolagaga saaray, iyada oo dagaalku dhinac walba ka dhacay, hadday noqoto xag ciidan iyo hadday tahay xag maleeshiyaba, welina dagaalkii wuu taagan yahay. Ta qolonimada waanu ugu tagnay oo way shaqayn weyday, qofkana marka la aasayo waxa dadka loogu yeedhaa magaca hooyadii, Yurubtan aynu dimuqraadiyadda kaga dayanaana waxay ugu yeedhaan dadka hooyadood, marka laga hadlayo arrimahaasina dadka qaarba si bay isku dhaleen, Majeerteenka iyo Hawiyuhu way isku milan yihiin, oo waa is-wada dhaleen, dadka reer Somaliland-na waa sidoo kale oo waa wax is-wada dhalay, markaa lama odhan karo wax isir ah ayaa jira”.

Ugu dambayn Mr. Xaabsade waxaa la weydiiyay waxa uu u soo jeedinayo ama ka codsanayo dadweynaha Somaliland, waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi: “Somaliland waxa leeyahay meesha dagaal ayaa yaal oo waxa la iska soo abaabulayaa min federaalkii, Boosaaso ilaa Garoowe, idina xoog iyo xoolo mid uun keena oo hana daawanina”.

Dhinaca kalena waxaanu isla xalay caweysinkii khadka telefoonka kula xidhiidhnay Badhasaabka gobolka Sool, Cali Sandule oo aanu ka waraysanay xaaladda magaalada Laas-caanood iyo sida maamulka Somaliland ugu hawlan yihiin arrimaha dhinaca nabadeynta iyo dhismaha maamulkaba, waxaanu Badhasaabku isagoo ugu horeyn xaaladda magaalada ka hadlaya yidhi: “Xaaladda magaalada Laas-caanood way nabdoon tahay, wax dhibaato ahina ma jiraan, waxaanan odhan karaa nabadgelyadu 95% way fiican tahay, waxaanuna ka shaqaynaynaa dhinicii maamul samaynta iyo hagaajinta xafiisyadii dawladda, kuwaas oo intooda badan xaaladoodu marka horeba liidatay.”
Badhasaabka oo ka hadlayay shir ay maalintii dorraad xarunta gobolka kula yeesheen cuqaasha iyo waxgaradka magaalada ayaa waxa uu sheegay inay shirkaas kaga wada hadleen sidii nabadgelyada loo adkayn lahaa iyo sidii ay had iyo goor cuqaasha iyo waxgaradku ugala qayb-geli lahaayeen arrimaha maamulka iyo ilaalinta nabadgelyada.

Badhasaabka oo la weydiiyay bal inay la kulmeen Isimada gobolka Sool ayaa sheegay inaanay weli qaar badan Isimada la kulmin oo ay ka maqan yihiin magaalada, balse ay jiraan kuwo ay la kulmeen, isagoo xusay Badhasaabku in wakhtigan ay xoogga saareen cuqaasha iyo waxgaradka kale ee dadweynaha, maadaama ay jiraan buu yidhi arrimo dhinaca siyaasadda oo laga yaabo in dadka qaar weli ku kala duwan yihiin.

Cali Sandule oo ka waramay dhinaca kacdoonkii dadweynaha ee Salaasadii toddobaadka ka dhacay magaalada Laas-caanood inay joogsadeen iyo in kale, ayaa waxa uu sheegay inaanay wax dambe dhicin isla markaana ay wax iska caadiya tahay inay rabshadaha noocan oo kale iyo kuwo ka badani inay dhacaan marka meel maamulkeedu isbedelo oo dhici karto inay la helo dad weli aan qancin ama rajo ka sii qaba in maamulkii hore soo noqon karo. “Laas-caanood sooryo layskuma siin ee xoog baanu kaga saarnay maamulkii Puntland, markaa way jirayaan dadka qaar aan weli qancin, balse imika muddo afar maalmood ah ayaanu joognay Laas-caanood, waxna kama dhicin intii yarad ee maalintii hore dhacday mooyaane, taas oo iyaduna ahayd dumar iyo caruur laba-saddex taayir meel ku gubay,” ayuu yidhi Badhasaabka gobolka Sool Cali Sandule oo dhinaca kalena beeniyay inay jiraan dad magaalada ka qaxay, isla markaana waxa uu tibaaxay in ganacsigii iyo isu-socodkii magaaladu 90% caadigiisii ku soo noqday.

Cali Sandule waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin ciidamo ama maleeshiyo gudaha magaalada gaadiidka dagaalka kula dhex wareegta, ee ay inta yar ee ciidamada ah ee joogta magaalada gudaheedu ay ku sugan yihiin xarumaha dawladda “Xataa ciidamadaasi ma sameeyaan roondo oo magaaladu umaba baahna in roondo ay ciidanku ku sameeyaan,” ayuu yidhi Badhasaabka Sool.

Ugu dambayntii Badhasaabka gobolka Sool, Cali Sandule waxa uu jawaab ka bixiyay su’aal laga weydiiyay sida looga arkay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha maamul-goboleedka Puntland Cabdi-nuur Cilmi Maxamed (Biindhe), kaas oo degaan ahaan ka soo jeeda gobolka Sool, waxaanu wasiirkaasi ku hanjabay inay dagaal xooggan ku soo qaadayaan Laas-caanood isla markaana ay dhaafi doonaan. Badhasaabku isagoo arrintaas ka jawaabayana waxa uu yidhi: “Arrintaas waa laga soo gudbay waxaana imika laysku haystaa Garoowe iyo xuduuddaha, Somaliland-na marnaba dooni mayso inay qabsato dhul aanay lahayn, laakiinse haddii dhulkeeda loogu yimaado, lana soo gardaraysto waxay qaadi doontaa tallaabo ay isku difaacayso. Ninkan BBC-da ka hadlayayna wuxuu ka mid ahaa wasiiradii shalay halkan [Laas-caanood] ka baxsaday, oo xataa gaadhigiisii buu halkan kaga cararay oo Laas-caanood lagu wataa. Markaa waxaan leeyahay Biindhow hadaad wax isla hayso Garoowe ayaanu kuugu imanaynaaye bal adigu difaac.”

 


Wufuud Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland U Sii Qul-Qulaya Dhinaca Laas-Caanood

Hargeysa, October 19, 2007 (Haatuf) – Wefti isugu jira wasiiro, xubno mudanayaal ah iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Somaliland ayaa Arbacadii doraad ka baqoolay magaalada Hargeysa, iyaga oo u baqoolay magaalada Laas-caanood, halkaas oo ay gaadheen, waxaana sida la sheegay weftigan ka mid ahaa wasiirka cadaaladda mudane Casoowe iyo wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta mudane Casayr. Sidoo kale wefti iyaguna isugu jiro wasiiro iyo mudanayaal baarlamaanka ah ayaa lagu wadaa inay Sabtida berito u baqoolaan dhinaca gobolka Sool, iyagoo ka bixitimaya Hargeysa, waxaana la sheegay inuu ujeedada socdaalka wufuuddani la xidhiidho sidii ay xaaladda gobolka wax uga qaban lahaayeen, uguna soo dabaali lahaayeen xasilooni iyo jawi nabadeed, waxayna masuuliyiinta u socdaalaya gobolka Sool dhamaantooda ka mid yihiin ragga beesha Sool kaga jira golayaasha dawladda Somaliland, iyadoo sida la sheegay ay wufuuddani waajahi doonaan ama ka hawl-geli doonaan degaamo kala duwan, marka laga reebo magaalada Laas-caanood oo ah xarunta gobolka Sool oo hawl-gallada wufuudda xudun u ah.

Hase yeeshee sida ay wararku sheegeen hawl-gallada ugu weyn ee ay wufuuddani hadda u baqooleen ama u baqoolayaan waxa weeye inay jawi nabadeed meesha ka abuuraan iyo inay suuliyaan wixii khilaaf maxaliya ee gobolka ka jira iyo weliba sidii cagaha loogu dhigi lahaa maamulka gobolka, iyadoo ay aragtida ugu badan ee dhinaca Somaliland taal tahay in ugu horayn awoodda la saaro sidii meesha looga saari lahaa khilaafaadka maxaliga ah ee u dhexeeya beelaha wada dega gobolka Sool, isla markaana gobolka Sool loogu dhisi lahaa maamul adag oo ay dadka gobolka degaa ku qanacsan yihiin, islana ogol yihiin.
 


Boosaaso: Bileyska Majeerteenya Oo Faraha Kaga Gubtay Koox Hubeysan Oo Xaafad Isku Urursaday Inkasta oo xataa Madaafiic lagu garaacay haddana ilaa hadda laguma guulaysan in laga takhaluso

Boosaaso, October 19, 2007 (Haatuf) – Bileyska Majeerteenya ee magaalada xeebta ku taal ee Boosaaso, ayaan ilaa hadda ku guulaysan inay gacanta ku dhigaan ama burburiyaan koox hubeysan oo gabood ka dhigtay guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha Boosaaso, waxaana iska horimaadkaas ku dhaawacmay 6 ilaa 8 ka mid ah askarta Majeerteenya, iyadoo wararka qaarna sheegayaan inay dhimasho jirto.

Bileyska iyo kooxdan hubeysan waxa uu dagaal ka dhex socday laga soo bilaabo shalay ilaa iyo saqdii dhexe ee xalay, waxaana la kala hoyday iyadoo lays-mari waayay.

Bileyska Majeerteenya rasaas xad-dhaaf ah ayay ku rideen kooxda hubeysan ee guriga ku jirta, waxayna wararku sheegeen in xataa nimankaa lagu garaacay rasaasta cul-culus ee madaafiicda goobta ka dhacda iyo weliba rasaasta ka dhacda qoryaha lidka diyaaradaha. Hase yeeshee ilaa xalay saqdii dhexe bileyska kuma guulaysan inay kooxdaas ka takhalusaan, iyadoo la sheegay inay kooxdaasi aad u hubaysan tahay, balse ilaa hadda lama sheegin khasaaraha kooxdaas gaadhay maadaama aan gurigooda la geli karin.

Dagaalka dhexmaray bileyska Majeerteenya iyo kooxda hubeysan waxa uu sababay in xataa xaafadaha magaalada Boosaaso laga qaxo.

Bileyska Majeerteenya ayaa kooxda hubeysan ku eedeeyay inay yihiin kooxo argagixiso ah oo dhawaan degaanka la yidhaahdo Baar-gaal keenay dad ajaanib ah, halkaasna ay ku duqeeyeen diyaaradaha Maraykanku, hase yeeshee waxa la sheegay inay kooxdaasi yihiin koox dhallinyaro ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Sanaag ama beesha Warsangeli, kana cadhaysan dad uu dhawaan maamulka Majeerteenya xidhxidhay oo uu ku eedeeyay inay wadaan falal ammaan-daro ah, waxaana kooxdaas dhallinyarada ah oo markii ay bileyska Majeerteenya weerarka ku soo qaadeen dhufays ka dhigtay guri ku yaal magaalada Boosaaso halkaas ugu soo gurmaday oo soo xoojiyay dad kale oo taageersan dhallinyaradaas, taasina waxay keentay inay ismari waayaan bileyska iyo kooxda hubeysan ee halkaas isku urursatay, iyadoo ay wararka qaar farta ku fiiqayaan inuu iska horimaadkaasi isu rogi karo xiisad qabyaaladeed iyo dagaal beelo iskaga horyimaadaan.

Dhinaca kalena magaalada Badhan ee gobolka Sanaag waxaa ka dhacay iska horimaad dhexmaray laba beelood oo halkaas wada degga, waxaana ilaa hadda inta la sheegay iska horimaadkaa ku dhintay laba qof, iyadoo la sheegay inuu iska horimaadkaasi salka ku hayo muran dhinaca degsiimooyinka ah.

Top


Socdaalka Cadde Muuse Ee Gaalkacayo, Weftiga Dawladda Mbagathi Ee Baydhabo Ka Soo Fool Leh Iyo Dhaqdhaqaaqyada Dhiillada Xanbaarsan Ee Majeerteenya

“Xasan Daahir Wuxuu Ku Guul-Daraystay Inuu Mideeyo Beelaha Gobolka Sool”-Garaad Saleebaan

Gaalkacayo, October 19, 2007 (Haatuf) – Madaxweynaha Majeerteenya, Cadde Muuse ayaa shalay u baqoolay magaalada Gaalkacayo ee badhtamaha Somalia, waxaana sida la sheegay Cadde Muuse magaalada Garoowe ka sii daadihiyey raxan tikniko ah oo sida la sheegay ay saaran yihiin maleeshiyaadka sida gaarka ah daacadda ugu ah Cadde Muuse. Hase yeeshe ilaa hadda wax tafaasiil ah lagama bixin ujeedada uu Cadde Muuse ugu socdaalay Gaalkacayo, iyadoo ay xaaladda xaruntiisa Garoowe kacsan tahay, lagana abaabulayo olole dagaal, waxaase la sheegay inuu magaalada Gaalkacayo kula kulmi doono wefti ka socda dawladda Mbagathi oo iyaguna shalay soo gaadhay Gaalkacayo, kana soo duulay Gaalkacayo.

Weftiga dawladda Mbagathi waxa horkacaya wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee dawladda Mbagathi, Xasan Abshir Faarax, waxaana la sheegay inay weftigaasi kulamo la yeelan doonaan madaxda maamulka Majeerteenya, iyadoo la sheegay inay Xasan Abshir iyo weftigiisu maalmo badan oo toddobaad iyo dheeraad gaadhaya joogi doonaan Majeerteenya, isla markaana waxa Cadde Muuse uga sii horeeya Gaalkacayo wasiirkiisa maaliyadda Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmahan-ba abaabul dagaal ka waddey degaamo ay ka mid yihiin Buurtinle iyo meelo kale, iyadoo wasiirka maaliyadda Majeerteenya lagu tilmaamo ninka ugu awoodda badan maamulka Majeerteenya.

Wararka qaar baa leh weftiga dawladda Mbagathi waxay madaxda maamulka Majeerteenya kala hadli doonaan wada shaqaynta dawladda Mbagathi iyo maamulka Puntland, laakiin warar kale ayaa iyaguna tibaaxay inay weftigaasi maamulka Majeerteenya soo gaadhsiin doonaan fariin ay uga siddaan C/laahi Yuusuf, isla markaana ay kala hadlayaan colaadda ka taagan gobolka Sool ee u dhexaysa Majeerteenya iyo dawladda Somaliland, lamase oga nooca ay tahay fariinta ay uga siddaan C/laahi Yuusuf.

Cadde Muuse intii aanu u baqoolin Gaalkacayo waxa uu gelinkii hore ee shalay booqasho ku tegay tuulada la yidhaahdo Tuka-raq oo ku taal badhtamaha Garoowe iyo Laas-caanood, kana tirsan gobolka Sool, waxaana la sheegay inuu halkaa kula kulmay kooxo ka tirsan ciidamadii daacadda u ahaa maamulka Majeerteenya ee dhowaan laga saaray magaalada Laas-caanood iyo weliba Garaad Saleebaan Garaad Maxamud oo ka mid ah garaadada reer Sool, laguna tiriyo inuu si weyn u taabacsan yahay maamulka Majeerteenya.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen inuu Cadde Muuse meelo badan oo ay Tuka-raqi ka mid tahay kaga tiraabay inuu isagu la wareegay hogaaminta ciidamadiisa, uuna dagaalka ku hogaamin doono, waxayse wararka qaar sheegeen in ciidamada uu Tuka-raq kula kulmay uu u sheegay inaanay wax dagaal ah qaadin ilaa inta uu ciidamo xoog leh oo dagaal qaada diyaarinayo.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamud ayaa la sheegay inuu masuuliyiinta sare ee Majeerteenya si weyn u canaantay, kuna eedeeyey inay iyagu masuul ka yihiin guuldarrada maamulka Majeerteenya kala kulantay gobolka Sool, wuxuuse garaad Saleebaan si gaar ah eedda guul-darada iyo fashilka siyaasadeed ee Majeerteenya kala kulantay gobolka Sool u xanbaariyey Madaxweyne-kuxigeenka Majeerteenya, Xasan Daahir Af-qudhac oo ay garaadka isku reer yihiin.

“Xasan Daahir wuxuu ku guul-daraystay midaynta beelaha gobolka Sool,” ayuu yidhi garaad Saleebaan. Waxaana la sheegay in Xasan Daahir Af-qudhac lagu eedeeyey inuu masuuliyiintii iyo saraakiishii maamulka Puntland ee gobolka Sool intooda badan ka dhigay rag ka soo jeeda jilibkiisa, laakiin garaad Saleebaan oo taa ka hadlaya ayaa yidhi “malaa kama ay ahayn xumaane, caqligiisa ayaa siiyey”, iyadoo la sheegay in ragga ay Xasan Daahir Af-qudhac sida weyn isugu seegeen siyaasadda Puntland uu ka mid yahay wasiirkii hore ee arimaha gudaha Axmed Cabdi Xaabsade oo markii xilka laga qaaday mucaaradad weyn ku qaaday maamulka Puntland, isla markaana dabada soo geliyey dhinaca Somaliland.

Cadde Muuse isaga oo tuulada Tukaraq kula hadlaya garaad Saleebaan iyo dadkii uu halkaa kula kulmay waxa uu ku af-gobaadsaday inuu maamulkiisu ku noqon doono Laas-caanood oo ay dib u qabsan doonaan, waxaana guud ahaan degaamada Majeerteenya, gaar ahaan xarunta maamulka ee Garoowe ka aloosan jawi cadho xanaaq leh, iyadoo maamulka Cadde Muuse lala daba jabacsaday inuu iska lahaa masuuliyadda ay gacantiisa kaga baxday Laascaanood.

Dhinaca kalen magaalada Laas-caanood ayaa ilaa shalay xaaladeedu degan tahay oo aanay wax rabshado ahi ka dhicin, waxaase la sheegay inay dadkii magaalada ku dhaqnaa si weyn uga baxeen, iyagoo ka baqaya inay dagaallo maxaliyi ka qarxeen gudaha magaalada, ka dibna la isla jiidho, waxayna dadkii magaalada ka baxay u kala haajireen jihooyin kala duwan oo miyi iyo magaaloba leh.

 


Mid Ka Mid Salaadiinta

Awdal Oo Dadweynaha U soo Jeediyey Inay Taageeraan Difaaca Qarannimada Somaliland
Boorama, October 19, 2007 (Haatuf) – Mid ka mid salaadiinta gobolka Awdal ayaa dadweynaha ku nool Boorama iyo guud ahaanba gobolka Awdal u soo jeediyey inay u kacaan difaaca dalka, isla markaana naf iyo maalba u huraan sidii cadowga looga difaaci lahaa qaranimada Somaliland.
Sida uu ku soo waramay Maxamed Cumar Sheekh oo ah weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Suldaan Ibraahim Dacar Yuusuf, oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa dhinaca kale sheegay in in guusha ciidamada qaranku ka gaadheen sugidda soohdinta Somaliland iyo Puntland aan dib looga soo noqon.

Suldaanka oo noqonaya Madax-dhaqameedkii ugu horreeyey ee reer Awdal ah ee ka hadla dagaalkaasi iyo waajibka ka saaran dadweynaha ayaa yidhi: "Waxay Somaliland in muddo ahba dulqaadanaysa gardarro kasta, xadgudub kasta iyo dibindaabyo kasta oo muddo laba sano ka badan maamul-goboleedka Puntland ku joogay qaybo ka mid ah dhulka Somaliland, gaar ahaanna degaanka Laas-caanood. Dulqaadkaasi reer Somaliland shicib iyo dawladba, waxa uu gaadhay meel aanu hadda kaddib dhaafi karin, isla markaana ciidamada qaranka iyo dadka walaalahayaga ah ee Reer Laas-caanood ee uu haystay ama uu qabsaday maamulka Majeerteeniya ayaa haatan wadajir ugu dhaqaaqay sidii ay maamulkaasi ciidda Somaliland looga saari lahaa shicibka reer Laas-caanoodna uga raysan lahaayeen maamulka Majeerteeniya.

Waa wax laga xishoodo in dhul aanad lahayn, dadkiisuna aanay ku oggolayn, aad tidhaahdo hayb qabiil baan ku qabsanayaa, waa riyo aan weli Soomaalida soo marin ee laga arkay maamulkaasi.

Dhinaca kale waxaad moodda in dadweynaha reer Awdal u haystaan sheeko kana hurdaan taakuleyntiisa, isla markaana ay u arkayaan inaanu dagaalkaasi saameyn doonin maadaama uu ka dhacayo gobolka u fog Somaliland, arrintaasina waa mid ka baxsan waddaninimada, sidaa darteedna waa in hurdada laga kaco, loona dhaqaaqo taageeradiisa iyo taakuleynta ciidankeenna iyo dadkeenna maamulka majeerteeniya u hanqal-taagayo inuu xoog ku haysto, isla markaana la adkeeyo difaaca, si aanu mar kale maamul-goboleedka Puntland fursad ugu helin inuu ku soo laabto ciidda Somaliland."

Inkastoo ay jiraan qaybo ka mid ah dadweynaha gobolka Awdal oo dareensan dagaalkaasi, balse hadalkan Suldaan Ibraahim Dacar, ayaa waxa uu hordhac u yahay olole la doonayo in dadweynaha gobolku qayb libaax kaga qaataan taakuleynta dagaalkan Somaliland iskaga xoreynayso maamulka Majeerteeniya .
 


Haweenka Xisbiga KULMIYE Oo Wasiirka Gaashaandhigga Guddoonsiiyey Timir Ay Ugu Deeqeen Ciidanka Jiidda Hore

Hargeysa, October 19, 2007 (Haatuf) – Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ayaa shalay ku wareejiyey Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka 100 Teneg oo Timir ah oo ay ugu deeqeen ciidanka Qaranka ee ku sugan jiidda dagaalka ee Bariga magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Garabka Haweenka ee Xisbiga KULMIYE, Marwo Layla Cismaan oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Haweenka Qaranka ee xisbiga KULMIYE, marwo Canab Cumar Ileeye iyo xubno door ah oo ka tirsan haweenka xisbiga KULMIYE ayaa deeqdaas ku guddoonsiisey Wasiirka Difaaca Somaliland, Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka, halkaas oo ay maalmahan ku qulqulayeen kaalmo cunto iyo hu' isugu jirta oo qaybo kala duwan oo bulshada ahi ugu deeqeen ciidanka Qaranka ee jiidda gobolka Sool kaga jira dagaalka.

"Marka hore, anigoo ku hadlaya magaca haweenka xisbiga KULMIYE waxaanu hambalyaynaynaa ciidanka Qaranka Somaliland, saraakiishooda iyo saraakiil-xigeenadooda iyo dhammaantood oo ku guuleystey dagaalkii ay kala hortageen cadowga," Sidaa waxa tidhi Marwo Layla Cismaan oo ka hadlaysey xafladdii ay ku guddoonsiisey deeqdaas Wasiirka Difaaca.

"Haddii aanu nahay haweenka xisbiga KULMIYE waxaanu mar walba hiil iyo hooba la barbar taaganahay ciidankaa Qaranka ee Jiidda dagaalka ku jira ee difaacaya dalka oo aanu marwalba hambalyo iyo taageero la barbar taagan nahay, " ayay raacisay.
Waxayna sheegtay in deeqdan Timirta ahi ay hordhac u tahay deeqo kale oo isugu jira dhar iyo daawooyin oo ay u soo wadaan ciidanka Qaranka.

Marwo Canab Cumar Ileeye, Guddoomiyaha Haweenka Qaranka ee xisbiga KULMIYE oo iyana halkaa ka hadashay ayaa ku guubaabisey dowladda Somaliland inay iska daayaan hamrashada, isla markaana ay sugaan xuduudaha Somaliland oo ay sheegtay inay tahay mid dal waliba xaq u leeyahay.
Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdillaahi Cali Ibraahim ayaa uga mahadnaqay haweenka KULMIYE kaalmadaas ay soo gaadhsiiyeen ciidanka Qaranka ee dagaalka ku jira. Waxana uu sheegay in deeqdani ay tahay tii saddexaad ee ilaa saaka [shalay] uu guddoomo, isaga oo sheegay in ururro samafal waddani ahi ay deeq noocan oo kale ah soo gaadhsiiyeen ciidanka, taas oo muujinaysa ayuu yidhi sida dadweynuhu u barbar taagan yahay ciidanka.

Wasiirku waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay haweenka xisbiga KULMIYE oo uu sheegay in tallaabadoodu ay tahay mid ku dayasho mudan, taas oo uu sheegay in loo baahan yahay in la joogteeyo oo markasta oo dalka xaaladdi soo waajahdo meel laga soo wadajeesto.

 


Maxaa Laga Ogyahay Ujeedada Ra’iisal-Wasaare Geedi Loogaga Yeedhay Itoobiya

Addis-Ababa, October 19, 2007 (Haatuf) – Ra’iisal-wasaaraha dawladda Mbagathi ee Somaliya, Cali Maxamed Geedi oo hadda ku sugan caasumadda Itoobiya ee Adis-ababa ayaa la sheegay inay isaga (Geedi) iyo madaxda sare ee xukuumadda Itoobiya ka wada hadlayaan xaaladda cakirran ee ku saabsan khilaafka faraha lagaga gubtay ee u dhexeeya C/laahi Yuusuf iyo ra’iisal-wasaarihiisa Geedi.

Arbacadii doraad ayuu Geedi tagey magaalada Adis-ababa, isagoo ka bixitimay magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay inay u yeedhay dawladda Itoobiya, wuxuuna kulamo la yeeshay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka arimaha debedda iyo weliba ra’iisal-wasaare Meles Zenawi oo la sheegay inuu habeenkii kulan la lahaa Geedi.

Markii Ra’iisal-wasaare Geedi looga yeedhay Itoobiya waxa soo baxay su’aalo ku saabsan sababta loogu yeedhay, waxaana soo baxay tibaaxo kala duwan oo ku saabsan ujeedada loogu yeedhay.
Wararka qaar baa sheegay in ujeedada loogu yeedhay ahayd in la dhex-dhexaadiyo Isaga (Geedi) iyo C/laahi Yuusuf, hase yeeshee waxay wararku u badan yihiin inay masuuliyiinta Itoobiya doonayaan inay Geedi cadaadis ku saaraan inuu tanaasulo, waxaana la sheegay inay madaxda Itoobiya kala hadleen inuu aqballo inay xukuumaddiisu kalsooni waydiisato baarlamaanka, taas oo uu Cali Maxamed Geedi diidanaa. Hase yeeshee ilaa hadda lama oga inuu Cali Maxamed Geedi u hogaansamayo cadaadiska dawladda Itoobiya, waxayse wararka qaar farta ku fiiqayaan inay xukuumadda Itoobiya ka shaqaynayso sidii uu Cali Maxamed Geedi u tanaasuli lahaa, loona suurtagelin lahaa inay xukuumadda Geedi kalsooni waydiisato baarlamaanka, taas oo uu C/laahi Yuusuf-na doonayo inuu ka takhaluso Cali Maxamed Geedi.

Sida ay sheegeen warar ka soo baxay Baydhabo gudoomiyaha baarlamaanka Mbagathi Sheekh Aadan Madoobe oo la sheegay inuu dhinaca Cali Maxamed Geedi u xaglinayo ayaa isagana looga yeedhay Itoobiya, taasna waxa loo qaatay inay daba socoto cadaadiska lagu hayo Geedi, oo Sheekh Aadan Madoobena la odhanayo ka tanaasul mawqifka aad ku hortaagan tahay in kalsooni loo qaado xukuumadda.
Dhinaca markii uu Geedi ka tegay Baydhabo waxa halkaa ka bilaabmay olole hor leh oo ku saabsan sidii baarlamaanka loo horgeyn lahaa mooshin ku saabsan in xukuumadda codka kalsoonida loo qaado, waxaana ololaha caynkaas ah dabada ka wada kuxigeenka ra’iisal-wasaaraha oo magaciisa la yidhaahdo Saalim Caliyow Ibrow, wuxuuna Saalim saacado yar ka dib markii uu Cali Maxamed Geedi ka dhoofay bilaabay ololaha ku saabsan inay xukuumaddu kalsooni waydiisato baarlamaanka, iyadoo la sheegay inuu Saalim Caliyow ahaa nin lagu tiriyo inay aad isugu dhow yihiin Geedi oo ay yihiin saaxiibo kubadda dhinac u wada ridaya, gacantiisa midigna ah, isaga ayuuna hawsha kaga sii tegay, waxaase laga dadka halkaa jooga qaadan-waa iyo lama filaan ku noqotay markii ay arkeen Saalim oo Baydhabo ka dhex-wada olole ka dhan ah Cali Maxamed Geedi.

Ra’iisal-wasaare xigeenka Saalim Caliyow Ibrow oo hadda ah kusimaha ra’iisal-wasaaraha maadaama uu maqan yahay Ra’iisal-wasaare Geedi waxa uu doraad shir deg-deg ah la yeeshay wasiiro tiradoodu gaadhay 22 wasiir, waxaana laga furay dood odhanaysa waa in xukuumaddu kalsooni waydiisataa baarlamaanka.

“Waxaan kusimaha ra’iisal-wasaaraha, isla markaana waxaan ahay kuxigeenka koowaad ee ra’iisal-wasaaraha, aniga ayaa isugu yeedhay golaha wasiirada, waxaanuna maanta soo saaraynaa qaraar aanu baarlamaanka hor-dhigayno, oo kalsooni ku waydiisanayno, markaa Sheekh Aadan Madoobe iyo baarlamaanka sandulle ayay ku tahay , mana diidi karaan taa, waayo fekerkeenu ma aha in wax la burburiyo ee waa in wax la dhiso, waxayna ila tahay ra’iisal-wasaare Geedi waxba kama qabo hadii aanu baarlamaanka kalsooni waydiisano”ayuu yidhi, Saalim Caliyow, taasina waxay u muuqataa inuu damacsan yahay in Geedi laga takhaluso inta uu ku maqan yahay Itoobiya, hadii ay sidaa u dhacdana waxay u muuqanaysaa inuu yahay qorshe laga shaqeeyey oo ah Geedi waanu u yeedhaynaa ee hawsha sidaa u fuliyo.

C/laahi Yuusuf oo isna la sheegay inuu xanuunsanayo, dhakhaatiirtuna ay ku taliyeen in debedda loola cararo ayaa ku adkaysanaya in Baydhabo loogu keeno dhakhaatiir caafimaadkiisa ka shaqaysa, isaga oo sheegay inaanu marxaladda lagu jiro darteed dalka debedda uga bixi karin, waxaana la sheegay in waxa ugu weyn ee uu coodaashanayaa inay tahay inuu horta Geedi ka takhaluso, isaga oo u arka inay wax waliba kala daadanayaan hadii uu waqtigan xaadirka ah debedda u baxo.
 

 


Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Caritas Switzerland Oo Booqasho Ku Yimid Somaliland

Hargeysa, October 19, 2007 (Haatuf) – Wefti saddex xubnood ah oo uu horkacayo Agaasimaha Guud ee hay’adda Caritas Mr. Jürg Krummenacher ayaa maalmahan booqasho ku joogay dalka Somaliland.

Mr. Krummenacher oo ay safarkiisa Somaliland ku weheliyeen madaxa xafiiska xidhiidhka u qaabilsan hay’adiisa Mr. Odilo Notti iyo madaxa waaxda Afrika Ms. Marianne Hubber waxa ay booqashadoodu la xidhiidhay sidii ay xog-ogaal ugu noqon lahaayeen mashaariicda kala duwan ee ay hay’adoodu ka wado dalka Somaliland, waxaanay intii ay joogeen soo kormeereen qaar ka mid ah mashaariicdaasi.

Sidaana waxa Haatuf u xaqiijisay Agaasimaha xafiiska ay hay’adda SwissGroup/Caritas ku leedahay Somaliland Nuura C/laahi Magan oo shalay xafiiskeeda ugu waramaysay weriye ka tirsan Wargeyska Haatuf. Waxaanay Ms. Nuura intaa raacisay in weftigu intii ay booqashada ku joogeen Somaliland ay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiinta dawladda Somaliland, gaar ahaana Wasaaraddaha Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, iyo waxbarashada. “Intii ay booqashada ku joogeen weftigu dalka waxa ay soo booqdeen mashaariicda SwissGroup/Caritas ay ka fulisay dalka, waxaanay kulamo la yeesheen wasiiradda Qorshaynta, Biyaha, Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada. Waxa laga wada hadlay xaaladda horumarineed ee dalka iyo qorshayaasha isku duba ridida Wasaaradda Qorshaynta ‘Somaliland’ wado” ayay tidhi Nuura.

Weftiga hay’adda Caritas oo shalay gelinkii hore ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ka hor intii aanay shalay ka dhoofin Hargeysa.

Warsaxaafadeed afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Siciid Caddaani Mooge ayaa lagaga waramay waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen.
Warsaxaafadeedkaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa saaka uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda loo yaqaano CARITAS oo ka tirsan dalka Switzerland, horena loo odhan jiray Swiss Group.
Hay’adaasi oo ka shaqaynaysay dalka Somaliland tan iyo sanadkii 1995-kii , waxay ka fuliyeen Mashaariic dhawr ah oo ku aadan dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta Nadaafada Biyaha , Fayo dhawrka Nadaafada Biyaha iyo Mashaariicda horumarinta kaalinta haweenku ay ugu jiraan Bulshada iyo kor u qaadida waxbarashadooda , gaar ahaan haweenka waaweyn ee aan soo marin dugsiyada caadiga ah.
Waxa kale oo ay hay’addu ka hawl gashaa tababarada kooxaha dhalinyarada ee aan shaqayn, si ay u bartaan xirfado kala duwan oo ay ku shaqaystaan Mustaqbalka .
Wasiirka Qorshaynta JSL Mudane Cali Ibraahim ‘’Cali Sanyare’’ oo isna halkaa hadal kooban ka jeediyay waxa uu ku hambalyeeyay Hay’adda CARITAS Mashaariicdii ay tan iyo haatan ka fulisay Somaliland , waxaanu ballan qaaday inuu wasaaradiisu ay sii kordhin doonto iskaashiga iyo wax wada qabsiga ay la leedahay hay’adaha kala duwan ee ka hawl gala Somaliland oo ay ka mid tahay CARITAS Switzerland.
Mr JORG KRUMMENACHER oo ah Agaasimaha guud ee hay’adda CARITAS Switzerland waxa uu ugu mahad naqay Madaxweynaha iyo xukuumada Somalilandba soo dhawaynta fiican ee uu kala kulmay isaga iyo wefdigiisu intii ay joogeen dalka.
Mr Jorg Krummenacher waxa kale oo uu cadeeyay in hay’addiisu ay sii dar dar gelin doonto Mashaariicda horumarka ah ee ay ka wado Somaliland , isaga oo tibaaxay in mashaariicdaasi , gaar ahaan Nadaafada Biyaha la cabo iyo waxbarashadaba ay ku sii fidin doonaan Tuulooyinka iyo dhulka Baadiyaha ah ee Somaliland, taas oo wax weyn ka tari doonta Nolosha dad fara badan oo reer Somaliland ah oo ku nool dhulka Miyiga .
Hay’adaasi loo yaqaano CARITAS oo ka tirsan wadamada Switzerland iyo Luxemborg , waxa ay bilowday in ay ka hawl gasho wadanka Soomaaliya 1993-kii , hase yeeshee waxa ay xidhay xafiisyadii ay ku lahayd Soomaaliya, ka dib markii la dilay nin ka mid ahaa shaqaalaheedii, waxana ay dabadeed go’aansatay in ay ka furato Xafiis Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ay ka shaqaynaysay tan iyo 1995-kii.
Alla Mahad leh”.

Dhinaca kale mashaariicda ay hay’adda SwissGroup/Caritas ka hirgelisay Somaliland ee la sheegay inay weftigu soo booqdeen ayaa sida ku qoran documents ay Haatuf siisay Agaasimaha Xafiiska hay’addaasi ee Somaliland, Nuura C/Laahi Magan, waxa ka mid ah mashruuca dib u jihaynta dagaalyahankii hore, iyada oo la barayo xirfado ay ku shaqaystaan, adeegyo la xidhiidha nadaafadda biyaha iyo caafimaadka, tababaro iyo dakhli kobcin la siiyo dumarka iyo weliba barnaamijyo la xidhiidha wax barida dadka waaweyn si loola dagaalamo wax akhris qoraal la’aanta ka jirta Somaliland.

Top


“Xukuumaddu Waa In Sharciga Horkeentaa Saraakiisha Iyo Hawl-Wadeenada Hay’addaha Fulinta Ee Geysta Xad-Gudubyada Xuquuqda Aadamaha”

“Waa In Sida Ugu Dhakhsaha Badan Xoriyadoodii Loogu Soo Celiyo Madaxda Ururka QARAN Iyo Dhamaan Dhibanayaasha Xadhigooda Aanay Xalaalaynin Maxkamadi”
Isku-Xidhka Ururada Xuquuqda Aadamaha (SHURO-NET)

Hargeysa, October 19, 2007 (Haatuf) – Isku-xidhka ururada xuquuqal-insaanka Somaliland ee SHURO-Net, ayaa war-saxaafadeed uu dorraad Arbacadii soo saaray wuxuu ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay gebi ahaanba oodda ka qaado muwaadiniinta reer Somaliland ee sida sharci-darrada ah xabsiyada dalka ugu jira, isla markaana ay xukuumaddu joojiso xad-gudubyada xuquuqda aadamaha iyo xadhigga aan sharcigu jideyn ee muwaadiniinta laga qaado xoriyadooda aasaasiga ah, waxaanu Isku-xidhka SHURO-Net sidoo kale hoosta uga xariiqay in si bilaa shuruud ah lagu soo daayo hoggaamiyeyaasha urur-siyaasadeedka QARAN.

War-saxaafadeedkan uu soo saaray isku-xidhka xuquuqda Aadamaha ee Shuro-Net oo ay ku saxeexnaayeen Gudoomiyaha iyo Agaasimaha Guud Ee SHuro-Net Samsam Cabdi Aadan iyo Mubaarik Ibraahim Aar, waxa kale oo lagaga hadlay xadhigii dhowaan xukuumaddu xabsiga ugu dirtay laba nin oo ganacsato ahaa oo lagu xidhay magaalada Burco, kuwaas oo ay ka dhalatay shaqaaqo keentay dhimasho iyo dhaawac, waxaanay ku taliyeen in xukuumaddu joojiso dhaqanka noocaas ah ee qofka layska xidhayo iyadoo aan loo soo marin sharciga, isla markaana cidii ka masuulka ahayd dhibaatadaasna sharciga la horkeeno.

War-saxaafadeedka uu soo saaray isku-xidhka SHURO-Net waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:
“UJEEDO: XADGUDUBYADDA XUQUUQDA AADAMAHA EE XUKUUMADDA SOMALILAND IYO XADHIGA MASUULIYIINTA URUR SIYAASADEEDKA QARAN
Isku-xidhka Ururada Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee SHURO-NET oo ay ku bahoobeen ururada wadaniga ah ee ka shaqeeya horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga dalka Somaliland, ururadaasi oo ka kala hawl gala dhamaan gobolada dalka, ujeedadda ugu weyn ee Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland waa horumarinta iyo ilaalinta dhamaan xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ee ku cad dastuurka dalka iyo heshiisyadda caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha .
Hadaba anagoo ka duulayna muhimadaasi weyn waxa uu Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee SHURO-Net war-saxaafadeedkan uu ugu talo galay in uu u noqdo mid wax ka tara joojinta iyo wax ka qabashada xadgudubyadda xuquuqda aadamiga ee ay geysato xukuumadda Somaliland, iyo sidoo kale ka fogaanshaha waxkasta oo dhib u keeni kara amniga dalka Somaliland.
Iyadoo ay doorashadii dowladaha hoose dhib udhac ku yimi, ayaa Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland oo si feejigan ula socda xaalada xuquuqda aadamaha dalku hadba halka ay marayso, ishana ku haya geedi socodka nidaamka dimuguraadiyadeed ee Somaliland ku hanaqaaday ,waxa uu aad uga walaacsan yahay markii uu si qoto dheer ugu kuur galay xadgudubyada xuquuqda iyo xoriyadaha aadamaha oo ay geysato xukuumadda Somaliland oo aad u sii kordhaaya, taasina waxa ay saamayn khatar ah ku keeni kartaa tacabkii ummada ay ku baadigoobayeen aqoonsi iyo cadaalad hadhaysa gayiga Somaliland.

Sidaasi darteed, marka giddida nabadyalyadu ay xabsiga u taxaabayso ciday doonta iyadoon horkeenin maxkamad sharci ah taa soo si toos ah u khilaafsan sharciga dalka, marka garsoorka dalku aanu ka madax banaanayn xukuumadda talada haysa, marka muwaadinka ka hadla xukuumadda xabsiga loo taxaabayo iyodoo aanay jirin dambi uu galay,marka ay boolisku xabsiga u taxaabayaan dad rayid ah iyagoon haysan waran maxkamadeed,marka xoriyadda warbaahintu aanay dalka si dhab ah uga jirin, isla markaasina ay xukuumadda Somaliland ay u adeegsato muwaadiniinta dalka in ay ku xidhxidho mid ka mid ah xeerarka adduunka ugu xun ee aadamiga lagu cabiidiyo, marka ay xukuumaddu ka horjoogsato shacabka mudaharaadka silmiga ah iyadoo ku marmarsiyoonaysa amniga,,marka taageerayaasha urur siyaasadeedka qaran loo taxaabayo xabsiga iyadoo aanay jirin maxkamad amartay,intaasi marka lagu daro xadhiga sharcidarrada ahaa ee lagula kacay masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran kuwaa soo ilaa hada ku jira xabsiga madheera ,sideebay Somaliland u noqon kartaa wadan dimuquraadiya oo ixtiraama xuquuqda aadamiga.
Xadhig aan Maxkamad Jidaynin:
Guud ahaan Xabsiyada dalka Somaliland waxa ku jira dad tiro badan oo aan la horgeynin wax Maxkamad sharci ah balse ay Gudiyada Nabadgalyada Gobolada iyo Qaranku ay xadhigooda u adeegsadeen xeerka lagu magacaabo Public Order Law, kaasi oo Barlamaankii uu xiligiisu dhamaaday uu cod buuxda ku laalay in xeerkaasi dalka laga isticmaalo badhtamihii sanadkii 1999.
12/10/2007 abaaro 7:00 a.m ayay ciidanka booliska Burco u taxaabeen xabsiga dhexe ee Burco Muxiyadiin Mursal Abdi Gaboose iyo Cali Maxamud Habi oo ku magac dheer Cali Baabuur.Labadan oday oo kasoo jeedo raaska Dr Gaboose ayaa habayaraatee aan loo marin xadhigooda wado sharci ah.
Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga ee SHURO-Net iyadoo tixraacaysa qodobka 9(1) ee heshiiska caalamiga ah ee xuquuqaha madaniga iyo xuquuqaha siyaasiyeed, kaas oo odhanaaya qofna si gardaro ah la iskama xidhi karo,la iskagamana hayn karo,qofna xorriyadiisa lagama xayuubin karo marka laga reebo sababo iyo hab-raac ku dhisan sharciga.iyagoo fiirinaya qodobka 9 ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga iyo qodobka 25(2) ee destoorka jamhuuriyadda Somaliland waxay si adag u canbaaraynayaan xadhigaasi sharcidarrada ah ee ay ku kacday xukuumadda Somaliland.
Sidoo kale xadhiga lagula kacay labada oday Mursal Cabdi Gaboose iyo Cali Baabuur ayaa waxay sababtay in dhalinyar gadoodsan ay weerar hubaysan ku qaadaan saldhiga dhexe ee Burco si ay u siidaayaan labada maxbuus ee halkaa ku xidhan.Weerarkan oo ay hub isweydaarsadeen labada dhinac bileyska xabsiga iyo dhalinyarta gadooday ayaa wuxuu khasaare gaadhsiiyay dadkan hoos ku qoran.

1. Dhamac Cabdi Jaamac, Dhimasho
2. Faarax Cali Maxamed, Dhimasho Askari
3. Suldaan Maxamed Cajab, dhaawac
4. Xasan Siciid Saarweel, dhawac
5. Maxamed Husein Aidiid, dhawac
6. Bidaar Muuse Wayd, dhawac Askari
7. Faysal Cali Damal, Dhaawac

Maaha markii ugu horeysay ee ay xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabto taageerayaasha urur siyaasadeedka qaran balse sida ku cad diiwaanka xuquuqda aadamiga xukuumada Somaliland waxa ay xabsiga u taxaabtay habeenimadii khamiistii 10 Octobor 2007, dadka kala ah Mahdi Jaamac Cumar iyo Maxamed Cabdi Jibriil oo haba yaratee aanay jirin wax dambi ah oo ay faraha kula jireen isla markaana aanu boolisku haysan ogolaansho maxkamadeed oo sababaysan. Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga Somaliland waxay si cad uuga soo horjeedaan xadhiga sharcidarrada ah ee lagula kacaayo dadka rayidka ah iyadoon loo marayn wadadii uu jideeyay sharciga dalku, isla markaana waxaanu diidan nahay in xuquuqda lagu raadsado xoog iyo gacan kahadal taas oo wax u dhimi karta jiritaanka Somaliland


Xadhigga masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran:
Masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran ayaa xabsiga Madheera loo taxaabay bishii July 28 kadib markii ay xukuumaddu ku soo eedaysay inay samaysteen urur siyaasadeed aanu ogolayn sharcigu, isla markaana ay ku bogjeexeen destoorka dalka.Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga ee SHURO-Net oo arintan si feejigan oo taxidir leh ula socday ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu ahaa xadhigaasi mid baalmarsan sharciga iyo xuquuqda aasaasiga ah ee uu dammaanad qaaday distoorka Somaliland. Sadexda masuul ee urur siyaasadeedka qaran, Dr Maxamed Abdi Gaboose, Eng Maxamed Hashi Elimi iyo Mr Jamaal Aidiid Ibrahim oo ah siyaasiyiin u xidhan rayigooda ayaa siidayntooda uu ku xidhay Madaxweynaha jamhuriyada Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin inay soo qortaan warqad cafis ah. Isku-xidhka ururada xuquuqda aadamiga ee SHURO-Net ayaa waxay u arkaan shardigan caqabad la hordhigaayo xuquuqda siyaasadeed ee masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran iyo fulinta go’aamadii kasoo baxay heshiiskii ay wada galeen madaxwaynaha iyo golayaasha qaranku kaas oo ay wadeen guddidii isu xilsaartay xalinta khilaafaadka golayaasha qaranka. Sidaa daraadeed wuxuu isku-xidhka ururada xuquuqda aadmiga ee SHURO-Net ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay xorriyadoodii u soo celiso masuuliyiinta urur siyaasadeedka qaran sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira wada hadal iyo isafgarad.


TALO SOO JEEDIN:
Isku-xidhka Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa uu ugu baaqayaa:
Xukuumadda Somaliland
1. Xukuumadu waa in sida ugu dhakhsaha badan oo aanay wax shuruud ah ku xidhaynin ay ooda uga qaadaan dhamaan dhibanayasha ku xidhan xabsiyada dalka ee xadhigooda aanay xalaalaynin maxkamad sharci ahi .
2. Waa in sida uugu dhakhsaha badan xoriyadoodii loogu soo celiyo madaxda urur siyaasadeedka qaran.
3. Waa in ay joojiso xukuumaddu xadhiga sharcidarrada ah ee ay kula kacayso dadka rayidka ah ,una marto wixii xadhiga sifo sharci ah.
4. Waa in xukuumaddu sharciga horkeentaa dhamaan saraakiisha iyo hawl wadeenada hay’addaha sharci fulinta Somaliland ee geysta xadgudubyada xuquuqda aadamaha , waana in shaadhka dawladu aanu noqonin sida imikaba dalka ka jirta mid ficilada xunxun ee ay sameeyaan gabaad uga ah.”
 

Top


DALJIRE: (Waraysiga Sanadka… “Rayaalow Runta Sheeg” Q: 2aad)

Qore: A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay. Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay, ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
S.....Wa calaykum asalaam. Madaxweyne waad yar raagtay. Markii horena si baad u yar ruqruqaansanaysay markaan su’aalaha qaar ku weydiiyo oo waxaaba iigu soo dhacday waar malaha sooba noqon maayee meesha iskaga tag. Waa goor dambe ee aan su’aalaha ku noqdo.
Ciidankii Qaranku waakan qabsaday Laas-caanood isagoo adeegsanayaa taageerada beelaha degaanka ah qaarqood. Hambalyo ayaan ku leeyahay, haddaba ma u deynaysaa ciidanka goobahaa ay joogaan mise iminkaad sidaadii soo raraysaa oo haddana Oog ku soo celinaysaa?
J. Horta Ciidanka iyo dadweynaha reer Sool ee taageeray iyo dhammaan ummadda reer Somaliland waan ku hambalyaynayaa guusha Illaahay siiyay iyo sida geesinimada leh ee ay u dagaalameen.
Tan soo celinta ciidanka marlay waxaanu eegaynaa duruufaha jira laakiin inaanu xuduudda dalka sugno way naga go’antay oo waan tagaynaa haddii Eebbe idmo ayaan leeyahay anigu. Waan tagi doonaaa.
S: Doorkan Wasiirka Gaashindhigga ma ku tidhi ha xidhin taleefanka (mobile-ka) yaan ku eryine?
J. Taliyihii Ciidanka Qaranka, Nuux, baa jooga furinta (front).
S. Haddaa wasiirka uma baahnide. Ina Bullaale, Xoghaya Guud ee UDUB, wuxuu yidhi ciidanka Somaliland waa 40,0000. Ma runtiibaa oo tiradii ciidanka waa la sugay mise sir baa ka fakatay oo caaglihii buu ku daray?
J: Tirada Ciidanka Qaranku waa sir dalka u qarsoon inaan sheegnana ma rabno.
S: (Awalba Ina Bullaale cidi ma rumaysan jirine.) Oo qiiqan inoo soo galay muxuu ahaa?
J: Dumarkii baa ciidankii sabaayad u dubaaya baan filayaa iska wado su’aalahaaga adigu.
S. Haye.Haye. Madaxweyne beri dhexdaasa oo aad safar debedda ugu baxday waxaad sheegtay inaad Talyaaniga albaab ka soo furtay. Duqsina ha ahaadee inna wax albaabkii ka soo baxaya ama sii gelaya mala hayaa?
J. Waa runtaa inaan albaab ka soo furay Talyaaniga waan sheegay bay ahayd oo casuumad baan ka helay bay ahayd. Anigu waajib kelihaata baan is faray. Waajibkaasi inaan qadiyadeena caalamka gaadhsiino weejaan. Yaah. Taas ayaa nagu kallifaysa. Waayo dal aan meella laga ictiraafsanayn baan nahay.
S. Albaabkii Kenya?
J. Sidoo kale.
S. Albaabkii Ugaandha?
J. Sidoo kale.
S. Albaabkii Ruwanda?
J. Sidoo kale.
S. Albaabkii Ghana?
J. Sidoo kalae
S. Albaabkii Norway?
J. Sidoo kale.
S. Albaabkii Germany?
J. Sidoo kale.
S. Dee maystiddhi Madaxweyne meesha waad nagu waalaysay ee waxaad soo furtay ma jiraan? Miyaanad Ilaahay ka yaabayn?
J. Waan kaaga jawaabay su’aalaha. Ka soco. Iska dhaaf ilaaqda.
S. (Waar Bileyskaabu noogu yeedhi) Waayahay Madaxweyne halkaasaan albaabadii inagaga xidhay dabayshooda eh, haddaa dalka ku soo noqdo. Maxaad qorshe shaqo abuuris ah u haysaa dhallinyaradan kumanaanka ah ee shaqo la’aanta iyo rajo la’aanta la dhooban suuqyada?
J. Horta dee anigu waxba ka hagran maayo. Anigu ictiraafka ayaan xoogga saaray illaa ictiraaf la helona shaqo la heli maayo. Markaa ha iska samraan dee. Ha iska sugaan baan ku talin lahaa anigu.
S. Madaxweyne idaacaddii cusbayd ee la filayay shanta sanno halkay ka dhacday? Yayse ku maqantahay?
J. Hortan aan mid kuu sheego. Idaacaddii nimankii aan ka iibsannay ayay weli ku maqantay. Kolkaan Ina Cabdi Dacar (danjiraha S/L ee Belgium) weydiiyayna. Wuxuu yidhi nimankii waxba weli inooma hayaan. Markaan waagii dhoweyd ee aan Norway tegey ayaan ku idhii bay ahayd. Dee maan nimanka ashkatayno? Waanse helaynaa idaacadda. Anigaa ku idhi. Waan keenaynaa.
S. Doorashadii waatan dib loo dhigay. Adigu ma isa soo sharraxaysaa doorkan?
J. Maxaa iga hortaagan haddaan isa soo sharraxo?
S. Dee moojidaada. Ma warbaan kuu hayaa anigu adigaan wax ku weydiiyaye? Waxaanse ku weydiiyay maxaad doorkan dadka ku odhanaysaa igu doorta ka dib markaad lix sanno Madaxweyne ahayd ee aanad ummadda waxba u qaban?
J. Ummadda iyo dalkaba waan u qabtay. Mishkiladu waxa weeye wixii aan qabanay baanaan ummadda u sheegin bay ahayd. Haddase waan u sheegaynaa.
S. Madaxweyne Xisbi waliba wuxuu ku dhaqmaa qorshe uu ku guulaysto oo codad ku helo oo u gaar ah. Xukuumaddaada iyo xisbigeeda waxa qorshe u ahaa kala qaybinta beelaha. Gaar ahaan Isaaqa oo aad dagaaladii sokeeye boogtoodii ku kala fogayn jirteen. Beelaha qaar oo aad ku beerlaxawsan jirtay inaad ka dhalatay iyo qaar kale oo aad uga sheekayn jirtay xidhiidho taariikhi ah oo idinka dhaxayn jiray. Wixii oo dhan waa laga ilbaxay waana laga heshiiyay oo adiguna inaad daayac tahay baa laguu arkay. Maxaad dadka ku qancinaysaa?
J. Muwaadin kasti xaq buu u leeyahay in uu doorasho u cararo. Waanan weydiisanaynaa dadka codkooda anagaana naqaan sidaan u helayno. Haye. Taageero igu fillana marlay waan haystaa. Ummaddana in la jahawreeriyo oo been loo sheego maaha. Dalkana inaan kala jiidanno oo gobolba meel u goyno maaha. Waxa hareeraheenna ka dhacaaya in la eego weejaan.
S. (muwaadin kasti kuwa Qaran mooyaane muu iska yidhaahdo) Madaxweyne waxa suuqa laguu geliyay inaad tahay bakhayl labaduba duuban yihiin oo geedka Tiinka la yidhaahdo ee aan biyo iyo baad toona u baahnayn ee laamiyada iyo dhagaxa sallaxa ah hadduu doono ka baxa haddaad adigu beerto wuu qallallaa ee maxaa ka jira.? Ma waxa dhagax sallax uu ka helayo ayaad uga liidan lahayd?
J. Hammaan anigu Tiinba beeray bay ahayd? Been rakhiisa iyo dacaayad weeji. Anigu kollay is faanin maayo laakiin aduunka qof aan wax bixini ma jiro.
Madaxweyne aad iyo aad baad u mahadsantay fursadda aad i siisay iyo dulqaadka aad muujisay.
Halkaa markaan marayo ayaaan toosay.
Waa inoo toddobaadka dambe haddii Eebbe idmo.
A. Geeljire

Top


“Dhaawacii Hogaanka Caafimaadka Bileyska Iyo Askartiisu Noo Geysteen Meel Aanu Uga Ashkatoono Garan Mayno”
Gudoomiyaha UCID ee gobolka Hargeysa

Hargeysa, October 19, 2007 (Haatuf) – Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Xisbiga UCID Xasan Suldaan C/laahi Suldaan C/Raxmaan iyo dhawr ka mid ah qoyskiisa ayaa dhaawacyo kala duwan la soo gaadhsiiyay habeenkii Arbacadu soo gelaysay ee todobaadkan, ka dib markii uu in la garaaco amar ku bixiyay hogaanka caafimaadka ciidanka bileyska Somaliland Dr. Oday.

Sidaana waxa Haatuf u sheegay Gudoomiye Xasan Suldaan, ka dib markii la soo kabay jabniin ka soo gaadhay gacanta bidix uga waramayay sidii ay wax u gaadheen.

Waxaanu Mr. Suldaan isaga oo dhacdadaasi ka waramaya yidhi: “waxay ahayd habeen hore abaaro 10:30 habeenimo, waxa aan ka soo baxay guriga walaashay oo ku yaala xaafadda Shacabka, ka dibna waxa gurigaa ka ku xiga ka soo dareeray ilaa lix nin oo uu ka mid yahay hogaanka caafimaadka ee Bileyska Dr. Oday, ka dib way nagu soo dhaqaaqeen, aniga oo markaasi guriga hortiisa ku sugaya hablo aanu walaalo nahay oo aan guriga ka qaadayay. Dabadeedna hogaanka Caafimaadka Bileyska Mr. Oday oo guriga la deris ah ayaa I amray in aan ka dhaqaaqo meesha, waxa aan ugu jawaabay ma xero ciidan baa maxaan uga dhaqaaqaa, ka dibna waxa uu iigu hanjabay oo uu yidhi. “Haddii aad dhaqaaqi weydo adiga oo intaa ka itaal yar baad ka dhaqaaqi”. Waxaanu intaa raaciyay “Garaaca oo ka dhaqaajiya meesha”, isaga oo markaa amraya askarta bileyska ah ee la socotay. Hase yeeshee, waxa aan u sheegay in aan hablo walaalahay ah oo guriga ka soo baxaya aan meesha ku sugayo. Balse cidiba ima dhegeysan. Askartiina waxay u soo dhaqaaqeen xaggaygii, nasiib wanaagna waxa soo baxay hablihii aan sugayay. Hal mar ayaa gaadhigii waxa soo wada gaadhay askartii iyo dumarkii guriga ka soo baxay. Dabadeedna waxa ay markeli ah askartii nagu bilawday garaacis, iyaga oo adeegsanaya bakoorado iyo budhadh, waxaanu dhaawac iga soo gaadhay gacanta bidix oo aan ka jabay. Budhaynta iyo garaacistu aniga oo keli ah iguma koobnayn, balse waxa iyagana gacanta la saaray dumarkii aan sugayay oo ahaa xaaskaygii iyo walaashay, iyagana waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, laakiin nasiib darro Walaashay oo xaamilo ah ayaa dhaawac culusi soo gaadhay, ka dib markii ay bakoorado dhabarka kaga dhaceen, taasina waxay sababtay inuu khasaare uurka ka soo riday soo gaadhay. Laakiin bileys kale oo aan sidaa uga fogayn meesha ayaa mooday in meesha tuugi dad ku baadhanayso, waxaanay rideen xabad. Ka dibna waaxay nooga yaaceen dhinaca guriga uu degan yahay hogaanka caafimaadka Bileyska ee amarka lanagu garaacay lahaa. Hase yeeshee jidh-dilkan arxan darrada ah may geysan oo keli ah askarta bileyska ahiy’e waxa ku weheliyay oo bilaabay dhirbaaxadii u horeysay hogaanka caafimaadka bileyska oo gacan saaray seedigay.

Daqiiqado yar ka dibna waxa goobta yimid heegankii bileyska ee habeenkaasi shaqada u lahaa. Waxaanay Bileyska heeganku ugu tageen bileyskii na garaacay guriga hogaanka caafimaadka Bileyska Mr. Oday, waanay ka soo saareen, waxaana la isku soo kaxeeyay anaga iyo bileyskii dhibta noo geystay. Waxa lana keenay xarunta CID-da, halkaasina waxa lanagaga qoray sidii ay wax u dhaceen. Nasiib darro askartii dhibaatada geysatay waxa ay weliba haddana nagula dhex dagaalameen xarunta CID-da.

Laakiin waxa ay arrinta ugu naxdinta badan ee nagu dhacday ahayd, ka dib markii uu heegankii bileysku nagu war geliyay in aanay wax talaabo ah laga qaadi Karin askarta dhaawacyada noo geysatay ee uu hogaanku ka mid yahay, oo aanay xataa xidhi Karin, iyada oo ogolaansho looga qaato taliyaha guud ee ciidanka bileyska mooyaan’e, kaasi oo waqtigaasi isaguna dalka debada kaga maqnaa. Ilaa haatan bileys iyo budhcad mid aan ku tilmaamo garan maayee, nimankii banaankay joogaan waxna lagama qaban, anaguna dhaawacayaga ayaanu la duubanahay, inkastoonu dhaawac muujin iyo wax kasta oo loo baahnaa soo dhamaystiranay”.

 


Masuuliyiinta Caafimaadka Somaliland Oo Daadefeeyay In Xanuun Laga Qaadi Karo Maro Kaneecada Daawaysan

Hargeysa, October 19, 2007 (Haatuf) – Masuuliyiinta Caafimaadka Somaliland ayaa si kulul u daadefeeyay warar sheegayay in xanuun laga qaadi karo maro kaneecooyin dawaysan oo beryahanba wadanka lagu isticmaalayay.

Shir jaraa’id oo ay masuuliyiinta caafimaadka Somaliland oo uu horkacayo Wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe, Agaasimaha Guud Anwar Maxamed, Agaasimaha ka hortaga cudurada faafa, Dr. Caagan’e agaasimaha xakamaynta cudurka Kaneecadu keento ee Duumadda Dr. Cabdi C/laahi waxa ay ku sheegeen in aanay waxba ka jirin eedaymaha sheegaya in xanuun laga qaaday maro kaneecooyinka dawaysan oo lagu iibiyo suuqyada Somaliland.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id furay ayaa agaasimayaasha kala duwan ee wasaaradiisa ku soo dhaweeyay inay ka hadlaan wararka sheegaya in Mudane ka tirsan golaha Guurtidu uu xanuunka cadanyada (elergic) ka qaaday maro kaneeco dawaysan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mr. Anwar Maxamed oo shirkaasi jaraa’id ka hadlaya ayaa yidhi. “Waxa aan idiin sheegayaa in maro kaneecooyinkani yihiin qaar dawaysan, isla markaana la hubiyay. Waxa ay u kala qaybsan yihiin laba nooc, kuwaasi oo kala ah mid ganacsi iyo mid loogu talo galay meelaha la wada leeyahay, sida xanaanooyinka. Waxaana lagu keenaa heshiis dhexmaray hay’adda keenta iyo Wasaaradda Caafimaadka. Waxaana maro kaneecooyinkan la soo isticmaalayay muddo 8 sannadood ah, ilaa waqtigaasina ma jirto cid wax dhibaato ah ka soo sheegtay”.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay, Agaasimaha Cudurada faafa ee wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Axmed Siciid oo isaguna arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Wasaaradda caafimaadku markii hore halkan wasaaradda dhexdeedaba ku dawayn jireen mara kaneecooyinka, isla markaana aanay wax dhib ah lahayn. Laakiin waxa uu sheegay in marka muddo afar sannadood ah laga soo dhigo daawada ee haddana maro kaneecadii qaraxda lagu wadho ay markaa iman karto isbedel kale, balse aanay sida kale daawada lagu buufiyo ee la mariyo maro kaneecadu aanay wax dhib ah lahayn.

Madaxa Mashruuca Xakamaynta Kaneecadda ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdi C/laahi ayaa isaguna sheegay in deegaamada Somaliland aanay ahayn deegaamada ay kaneecadu adkaysiga badan ku leedahay. Waxaanu intaasi raaciyay in mashruucoodu soo maray marxalado kala duwan oo ay kula dagaalamayaan kaneecada, iyada oo markii ugu horeysay ay ahayd in daawo ka hortag ah la siiyo dadka, markii dambena in daawo la marsado la keeno ilaa aakhirkii ay heleen farsamadan lagu daawaynayo mara kaneecooyinka, taasina aanay wax dhib ah lahayn.

“Sideedaba marka laga hadlayo arrimaha caafimaadka, haddii uu qofku dareemo wax aan caadi ahayn waxa loo baahan yahay inuu dhakhtarka u tago oo la soo cadeeyo waxa haya, laakiin iyada oo aan la ogaanba lama odhan karo waxaasi ayaa jira, tusaale ahaan dhakhtarka degmada ama gobolka joogaa, haddii shuban dilaaco ma odhan karo Daacuun ayaa dilaacay, laakiin waa in marka hore la eego oo la hubiyo inta bukaan ee u soo dhacday, isla markaana la xaqiijiyo inay markaasi Daacuun tahay ayaa lagu dhawaaqi karaa, sidaas oo kale weeye arrintanina waxa weeyaan in marka hore la hubiyo waxani ma jiraan mise maya, haddii ay jiraan ayaa markaa ay doodi ka iman kartaa, laakiin wax aan la cadayn lama odhan karo elergik ayaan ka qaaday” ayuu yidhi, Dr. C/laahi.
 

Top