Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 

ISSUE 1563

 

 Nov.2, 2007

“Somaliland Annaga Ogolaansho Noo Weydiisan Mayso Inay Qabsato Laas-caanood” Ambassador Wubishet Demisse, Wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland

 

Ciidan Uu Wato Taliye Ku-Xigeenka Bileysku Oo Shalay La Wareegay, Albaabadana U Xidhay Xarunta Shuro-Net

Laas-caanood: Wefti Xukuumadda Somaliland Ah Oo Gaadhay Iyo Mudaharaad Lagu Soo Dhaweeyay

Garaad Abshir Oo Mudaharaad Dhagaxtuur Ah Lagaga Saaray Buuhoodle

Xarun Cusub Oo Wax Laga Baranaayo Oo Laga Furey Boorama

Madaxweyne Rayaale Oo Ku-xigeenkiisa U Igmaday Inuu Sameeyo Guddi Qaran Oo Ka Hawl-gasha Gobolka Sool Iyo Buuhoodle

“Xukuumaddu Ha Joojiso Faro-gelinta Shuro Net”

“Musharaxiinta Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenku Cid Gaara Uma Xidhna, KULMIYE-na Laba Beelood Wuu Ka Weyn Yahay”

 

Xildhibaano Iyo Wasiiro Ka Tirsan Dawladda Mbagathi Oo Cabdillaahi Yuusuf Ka Codsaday Inuu Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ka Dhigo Gacma Dheere

 

TACSI

 

 

 

Somaliland Annaga Ogolaansho Noo Weydiisan Mayso Inay Qabsato Laas-caanood” Ambassador Wubishet Demisse, Wakiilka Itoobiya u jooga Somaliland

Hargeysa, November 1, 2007 (Haatuf) – “Annaggu horeyso iyo dambaysaba waxa aanu labada dhinaca ee Somaliland iyo Puntland-ba kula talin jirnay inay arrinta wada hadal ku dhamaystaan oo aanay wax hadal gooyo dagaal ku doonin, markii ay Puntland soo galaysay Laascaanood annaggu maanu ogayn, markii dambena Somaliland iyo iyagaba waxa aanu kula talin jirnay inay arrimahooda kale ee xagga horumarka ka shaqeeyaan oo ay arrintaasi dib u dhigtaan” Sidaa waxa yidhi, Wakiilka dawladda Itoobiya u fadhiya Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Ambassador Wubishet Demmisse oo u waramayay Wargeyska Haatuf shalay.

Wakiilka Itoobiya waxa uu dhinac iskaga riixay inay dawladda Itoobiya wax faro-gelin ah ku lahayd arrimaha ka socda gobolka Sool, waxaanu intaasi ku daray, isaga oo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha warar maalmahanba la isla dhex qaadayay oo sheegayay inay bishii ina dhaaftay dawladda Itoobiya isku dayday inay dhex-dhexaadiso Somaliland iyo Puntland, waqtigaasi oo ay Addis Ababa ku sugnaayeen Madaxweynaha maamulka Puntland Cadde Muuse iyo wasiiradda maaliyadda iyo arrimaha debadda ee Somaliland, Cawil Cali Ducaale iyo C/laahi Maxamed Ducaale, waxaanu yidhi. “Somaliland annagga ogolaansho noo weydiisan mayso inay qabsato Laascaanood, waana arrimaheeda gudaha, iyada ayaa xor u ah sida ay u maamulayso, laakiin annagu talo saaxiibtinimo ayaanu marwalba siin jiray, mana aha qasab in taladayada la qaato, Somaliland-na annagu waxba uma yeedhino, oo haddii ay Somaliland wasiiradeedu tagaan Addis Ababa maaha macnaheedu inay ogolaansho u soo weydiisanayaan Itoobiya inay qabsadaan Laascaanood, siday sheegtayna Somaliland waa la soo weeraray markaasi ayayna dib iskaga caabiday oo ay Laascaanood qabsatay. Horeyso iyo dambaysana waxaanu labada maamul ee Puntland iyo Somaliland-ba kula talin jirnay in arrinta Laascaanood aan wax weyn la iskaga dhigin ee ay labada dhinacba danahooda kale qabsadaan, laakiin iyaga ayaa yaqaan sida ay arrimahooda gudaha uga talinayaan”.

Hase yeeshee, Ambassador Wubishet mar aanu weydiinay in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ay wax saamayn ah ku yeelatay, dagaalada ka dhacay magaalada Laascaanood dhawaan, maadaama oo sida uu sheegay ay hore ugula talin jireen Somaliland in aanay wax dagaal ah qaadin waxa uu yidhi. “Somaliland xaq ayay u leedahay inay talaabadda ay doonayso qaado, annaguna uma yeedhino sida ay arrimaheeda u maaraynayso, waxaanan kuu sheegayaa in markii ay labada wasiir ee Somaliland Addis Ababa joogeen aanay Itoobiya isla soo qaadin wax ku saabsan arrimaha Laascaanood iyo Puntland toona. Ta kale haddii talo lagu siiyo qaado ama ha qaadanin weeye, laakiin xoog maaha.

Xagga xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkoodu waxa uu ku dhisan yahay iskaashi labada dhinacba u dan ah, oo aan Itoobiya oo keli ah u dan ahayn, isla markaana Somaliland annagu ma maamulo ee way madax banaan tahay, taladuna waa qaado ama ha qaadan, danaha naga dhaxeeya annagga iyo Somaliland-na waxba u dhimi mayso talaabada ay Somaliland qaaday, sababta oo xaq ayay u leedahay inay qabsato Laascaanood annagana ogolaansho noo soo weydiisan mayso”.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi. “Sideedaba colaada ka taagan koonfurta Somalia sidii loo maarayn lahaa ayay beesha caalamku ku hawlan tahay, taladayaduna waxa ay ahayd in dagaalo ka qarxa Laascaanood ay saamayn ku yeeshaan hawlaha xasilinta ee Somalia ka socda, balse Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkoodu wuu ka duwan yahay waxaasi oo dhan, waxaana weeyaan sidii nabad loogu wada noolaan lahaa, xidhiidhka labada dhinacna loo sii horumarin lahaa, kaasi oo ku dhisan dano iyo ujeedooyin qoto dheer oo horumarineed oo labada shacaba u dan ah, kaasi oo ah ganacsiga, nabadgelyada xadka iwm”.

Xariif Magaalo Iyo Ganacsigii Sonkorta

 

Bandhig-Faneed Lagu Kaalmaynayo Ciidanka Qaranka Oo Lagu Qabtay Hargeysa

 

Xaqa Haloo Sheego Si Hor Illaahay Ah, Haddaynu Qarinana Waa Ayaandaro

 

KULMIYE Waxaan Ka Baxay Markii Xukunka Qabsan Kari Waayay

 

 

 


#1 Ciidan Uu Wato Taliye Ku-Xigeenka Bileysku Oo Shalay La Wareegay, Albaabadana U Xidhay Xarunta Shuro-Net

Hargeysa, November 2, 2007 (Haatuf) – Taliye ku xigeenka Ciidanka Bileyska Somaliland, Maxamed Shiil Dhidar ayaa la wareegay mafaatiixda xafiisyada xarunta daladda isku xidhka Xuquuqda aadamaha ee Shuro-Net, albaadana u xidhay, ka dib markii ay shalay barqadii abaaro 10:07 yimaadeen goobtaasi ciidan uu horkacayo oo ay ku jiraan hogaanka hawlgelinta ciidanka bileyska iyo saraakiil kale.

Sida uu sheegay taliye ku xigeenka Ciidanka Bileyska, Somaliland Maxamed Shiil Dhidar waxa ay u tageen xarunta Shuro-Net inay xilka u kala wareejiyaan guddi cusub oo la sheegay in lagu doortay shir ay xukuumaddu dabada ka waday oo 25/10/2007, lagu qabtay Hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, iyo guddida rasmiga ah ee hogaaminta Shuro-Net.

Inkasta oo ay wararku sheegeen in ciidanka bileysku doonayeen inay xoog kaga qaadaan, isla markaana kaga wareejiyaan mafaatiixda iyo xafiisyada Shuro-Net-ba golaha hogaaminta ee maamula, haddana saraakiisha bileysku waxa ay sheegeen in aanay wax talaabo ah qaadaynin ilaa inta lagu soo heshiinayo.

Ciidankan waxa la sheegay inay daba socdeen Saleebaan Ismaaciil Bulaale iyo C/laahi Aadan Cumar (Wayab) oo ku doodaya inay yihiin Xoghayaha Guud ee Shuro-Net iyo Gudoomiyaha, kuwaasi oo sheegay in hogaanka Shuro-Net loogu doortay shir aan caadi ahayn oo ay xubnaha dalladaasi ku yeesheen Ambassador.

Hase yeeshee, Golaha Hogaaminta Shuro-Net ayaa sheegay in aanu shirkaasi ahayn mid sharci ah, isla markaana uu ka soo horjeeday qaanuunka ay ku dhisan tahay dalladda Shuro-Net, waxaanay ku tilmaameen in shirkaasi ay qabsadeen 15 urur oo keli ahi, halka ururada xubnaha ka ah dalladda Shuro-Net-na ay tiradoodu tahay 50 urur. “Dalladda Shuro-Net waxay ka kooban tahay 50 urur, laakiin 15 urur oo keli ah ayaa ka qayb galay shirka la sheegayo in lagu doortay xubnahan, aniguna waxa aan ku wareejin karaa oo keli ah maamulka Shuro-Net, laakiin ku wareejin maayo niman sharci darro wax ku doonaya” ayuu yidhi, Mubaarik Ibraahim Aar Agaasimaha Guud ee Shuro-Net oo warbaahinta u waramayay.

Doraad ayay ahayd markii Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Somaliland Yuusuf Ciise Talaabo uu dalladda isku xidhka Shuro-Net u diray warqad uu bileyska ku amrayo inay xoog ugu wareejiyaan Wayab iyo Saleebaan Xaquuq xafiisyada Shuro-net, waxaanay wararku sheegeen in bileysku iyaga oo amarkaasi fulinaya ay shalay barqadii iyaga oo horkacaya Wayab iyo Xuquuq ay tagaan xarunta Shuro-Net, laakiin waxa yar ka dib waxa markiiba soo gaadhay xaruntaasi xubnaha golaha hogaaminta Shuro-Net, warbaahinta iyo boqolaal kale oo dad ah, waxaanay goobtii la ceeryoontay dad dhinac walba ka yimid.

Hase yeeshee inta uu taliye ku xigeenka Bileyska Mr. Dhidar banaanka uga yeedhay Agaasimaha Guud ee Shuro-Net ayaa waxa uu ku amray inuu furo, markii u furayna waxa gudaha wada galay, Agaasimaha, Taliyaha iyo Mr. Wayab, wax ay ku soo wada hadleenba markii ay debada u soo baxeen xafiiskiina markale dib loo soo xidhay, waxa miftaaxii la wareegay taliye ku xigeenka Bileyska, waxaanu dadkii meesha joogay u sheegay in ay bileysku doonayaan inay xilka u kala wareejiyaan laba guddi hogaamineed oo kala ah guddida hogaaminta Shuro-Net iyo guddida cusub oo uu sheegay inay doorteen. Hase yeeshee waxa markiiba cod sare ku qayliyay dadkii goobta joogay, oo u badnaa ururada xubnaha ka ah dalladda, waxaanay cod midaysan ku yidhaahdeen, “Waxa aanu nahay ururada xubnaha ka ah dalladda Shuro-Net, isla markaana ma jirto meel aanu hogaan cusub ku samaysanay nimankanina ma garanayno, sidaasi darteed sidee baa loo odhan karaa guddida cusub ee hogaaminta” ka dibna waxa uu taliye ku xigeenku yidhi dadka xayndaabka dayrka ku jiraa ha iska baxaan, waxaananu idin leenahay idinku marka aad ku soo heshiisaan baa la idiin kala wareejin inta ka horeysana waxa aanu haynaynaa miftaaxa.

Markaa ka dib ciidankii bileyska ee goobta joogay waxay bilaabeen inay dadka hab riix riix iyo tuur-tuuris ah kaga saaraan xaydaabka xarunta xafiisyada Shuro-Net ee xaafadda Jig-jiga yar ee magaalada Hargeysa.

Intii ay bileysku hawshaasi ku guda jireen waxa ay kamaradaha ka qaadeen ugu yaraan dhawr ka mid ah weriyayaashii goobta joogay, waxaanay sheegeen inay dib u soo celin doonaan, lamana oga inay dib u soo celiyeen inkale.

Markii ay bileysku dhammaan dadkii banaanka uga soo saareen, ayay saraakiisha bileysku iskaga soo baxeen xaydaabka xarunta Shuro-Net, waxaanay raaceen gaadhigoodii, iyaga oo meeshana kaga tegay dhawr askari.

Laakiin golaha hogaaminta Shuro-Net iyo xubno ka mid ah ururada dalladu ka kooban tahay ayaa iyaguna mar ay halkaasi ka hadleen waxa ay sheegeen in aanay garanaynin sababta xafiisyadooda loo soo weeraray, iyada oo ay jirto koox guddi sheegatay oo shir ku qabsaday Ambassador, kuwaasi oo ay xukuumaddu wadato inay doonayaan inay xoog ku qabsadaan xafiisyada Shuro-Net, sidaasi darteedna ay shalay xafiiskooda soo weerareen ciidanka bileysku miftaaxiina kala wareegeen. Isla markaana ay bileyska ka war sugi doonaan talaabada dambe ee ay qaadi doonaan.

Top


#2 Laas-caanood: Wefti Xukuumadda Somaliland Ah Oo Gaadhay Iyo Mudaharaad Lagu Soo Dhaweeyay

Laas-caanood, November 2, 2007 (Haatuf) – Wefti ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa shalay gaadhay magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool, isla markaana waxaa wakhti yar kadib halkaas ka dhacay mudaharaad.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee hadda ku sugan Laas-caanood, Axmed A. Yuusuf, weftigan oo uu hoggaaminayay wasiirka Hawlaha Guud, Siciid Sulub Maxamed, waxaa ku wehelinayay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Qaasim Sh. Yuusuf, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Axmed Xaashi Cabdi iyo dhawr toban xubnood oo isugu jiray Agaasimeyaal Guud iyo madax kale oo hay’adaha dawladda ka tirsan.

Weftigan ayaa waxay ujeedadiisu tahay inay qiimeeyaan xaaladaha ka jira jiidaha gobolka Sool, isla markaana waxay gobolka iyo ciidamada Qaranka Somaliland u wadeen taakuleyn, iyagoo isla shalay gelinkii hore Taliska Guud ee Aagga Bari ee Ciidanka Qaranka Oo ku wareejiyay 514 neef oo adhi ah oo loogu talo0galay in ciidanka loo qalo. Waxa kale oo ay weftigaasi sideen taakuleyn loogu talo-galay dadka reer Sool, taas oo ay ka mid yihiin daawooyin.

Weftigan ayaa waxa Laas-caanood ku soo dhaweeyay oo ka hortegay gudoomiyaha gobolka Sool, Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) iyo qaar ka mid ah xubnaha saddexda gole oo hore ugu sugnaa gobolka, waxaanay weftigu ku nasteen xarunta gobolka, halkaas oo warbixin ay kaga dhegaysteen xubnaha dawladda ee gobolka ku sugan. Warbixintaas kadib waxay weftigu u baqooleen dhinaca Hotelka dacalka bari kaga yaal magaalada Xamdi, halkaas oo ay xalay weftigu degeen, isla markaana ay shirar albaabadu u xidhan yihiin kula yeesheen xubnaha dawladda ee gobolka Sool.

Dhinaca kale, waxaa weftiga Xukuumadda Somaliland mudaharaad kaga horyimi kooxo taageersan maamulkii hore ee Puntlnad ee Laas-canood ka talin jiray, iyaga oo dadkaasi wadooyinka taayiro ku gubay isla markaana dhagaxaan dhigay. Hase yeeshee uma ay soo dhowaan halka ay weftigu ku sugnaayeen ee magaalada gudaheeda ayay ku ekaayeen.

Kooxaha mudaharaadayay ayaa markii dambe iyagu iskood u kala dareeray iyada oo aan wax ciidan ahi u tegin, balse waxa xidhan weli wadooyinkii oo ay dib u soo nooleeyeen dhigidii dhagaxa.

Dhinaca kale waxaa shalay iska horimaad ku dhexmaray tuulada Karin Dabayl weyn oo ku taala koonfurta Laas-caanood koox la sheegay inay dhinaca Puntland ka yimaadeen oo iyagu u dhashay degaanka iyo koox ka tirsan ciidamada Somaliland, waxana ay wararka aagaas ka imanayaa sheegayaan in kooxda Puntland nin la yidhaahdo Dhuungooye lagaga dhaawacay, isaga oo dhaawac culus ahna loola cararay dhinaca Garoowe, hase yeeshee dhinaca Somaliland wax khasaare ah oo soo gaadhay lama sheegin, mana jiraan wax ciidan Puntland ah oo ku urursan aagaas, iyadoo ciidamada Somaliland-na meelihii ay ka tageen ku soo noqdeen.

Dhinaca kale, magaalada Laas-caanood ayaa degan oo aanay ka jirin wax rabshado ahi, balse dhinaca Jiidamaha hore ayaa la sheegay inay ciidamada Somaliland heegan ku jiraan, iyagoo ka diyaar-garoobaya duulaan gaadmo ah oo kaga yimaada dhinaca Puntland.

 

Top


#3 Garaad Abshir Oo Mudaharaad Dhagaxtuur Ah Lagaga Saaray Buuhoodle

Laas-Caanood, November 2, 2007 (Haatuf) - Koox garaado ah oo ayaamahanba ku shirayay degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa la sheegay inay ku kala aragti duwanaadeen arrimhii ay halkaa kaga shirayeen.

Kooxdan oo ka kooban lix Isim ayaa ajandayaasha ugu horeeya ee ay ka shirayeen waxa ay ahaayeen laba qodob oo ay kooxi soo jeedisay in ciidamada Somaliland lala galo dagaal kuwaas oo laga soo abaabulay dhinaca Garoowe, halka kuwa kalena soo jeediyeen in la dhawro nabad gelyada iyo deganaanshaha, dadka degaankuna aanay la kala safan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ee isku haya gobolka Sool.

Waxaanay warar jiidaa u dhuun daloola ay sheegeen in shirkaas aqlabiyadiisu ay u badatay kooxda leh yaan la dagaalamin iyadoo dadka degaanka qaar ka mid ah ay ku mudaharaadeen kuna dhagax tuureen garaadadii dagaalka ku baaqay iyadoo garaad Abshir Saalax halkaas lagu dhagax tuuray.

Garaad Abshir oo isagu ah ninka u ololaynaya dhinaca Puntland, ayaa la sheegay in uu iskaga tagay degmada Buuhoodle, iyadoo shantii garaad ee kalena ay weli ku sugan yihiin Buuhoodle.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo isagu hogaaminaya wafti ka kooban qaar ka mida guddiga nabad gelyada ee gobolka oo kormeer laba maalmood qaatay ku marayeen degaamada, ayaa weriyaha Haatuf A.A.Yuusuf ee hadda ku sugan jiidda hore, oo khadka telefoonka kula xidhiidhay wax ka weydiiyey arrinta garaadada halkaas ku shiraya iyo waxa kormeerkoodu ku saabsan yahay waxaanu Badhasaabka Togdheer isagoo arrintaas ka jawaabaya uu yidhi “Anaga oo ka kooban guddiga nabad gelyada ee gobolka qaar ka mida ayaa waxaanu soo kormeeray degmada Buuhoodle si aanu ugu kuur galo xaaladaha ka jira jiidaa.

Garaado Puntland soo dirtay oo u dhashay deegaanka oo doonaya inay dadka walaalaha ah ee deegaanka wada dega ee ceelka cawsku ka dhexeeyo tashuush dhex dhigaan oo maamulka Puntland doonayo inuu si khaldan uga faa’iidaysto dadkaas masaakiinta ah ee xoolo dhaqatada ah, si aanu arrimahaa uga hor tagnana waxaanu qaadnay talaabo taana waanu ku guulaysanay oo garaad Abshir oo arrinta qabqable ka ahaa ayay dadkii deegaanku ku bilaabeen mudaharaad iyo dhagaxtuur ka dib markay ogaadeen arrinka khaldan ee uu wado, waanu ka baxay degmada markii dambe. Waxaa kale oo aan ku jiraa kormeer gobolka oo dhan ah waxaanan kuu sheegayaa inay xaaladda gobolka degan tahay, dadka deegaamadana aanu la hadalay lana hadli doono waxaanu dadka u sheegaynaa inay gacmaha is qabsadaan, cadowgana il dheer ku eegaan oo sidiisa warka noogu soo gudbiyaan” ayuu yidhi Cabdi Xuseen Dheere.

 

Top


#4 Xarun Cusub Oo Wax Laga Baranaayo Oo Laga Furey Boorama

Boorama, November 2, 2007 (Haatuf) – Xarun cusub oo loogu talogalay galay inay dhallinyarada iyo dadka jecel waxbarashadu ku bartaan xirfadaha kala duwan (skills) iyo barnaamijyada horumarinta bulshada ee dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo xuquuqal iinsaanka ayaa shalay laga furay magaalada Boorama.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, xafladdii lagu furayey xaruntan cusub oo ay maal-gelisay hay'adda SIDA, ayaa waxa ka soo qaybgalay guddoomiye kuxigenka Gobolka Awdal, Cabdi Nuur Sugaal, madax-dhaqameedyo, waxgarad iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka oo munaasibaddan ka hadlay ayaa sheegay faa’iidada xaruntan ugu jirta guud ahaan dalka, gaar ahaanna Dadweynaha iyo dhallinmyarada ku nool gobolka Awdal, isagoo guddoomiye kuxigeenku intaa raaciyey in xarumahan oo kale looga baahan yahay inay soo saaraan dhallinyaro rag iyo dumarba leh oo ka qayb qaata horumarinta dalka.

Guddoomiye kuxigeenku waxa uu ugu dambayntii u mahad-celiyey ciddii ka qayb qaadatay hirgelinta xaruntan cusub oo lagu soo kordhiyey urur awalba hore bulshada ugu hayey hawlo la taaban karo ee AYODA.

Duqii Hore ee magaalada Boorama Ibraahim Magan Nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa dadka ka soo qaybgalay xusuusiyey dhibaatada haysata dhallinyarada aan lahayn xirfado ay ku shaqaystaan ama jaaniska u waayey waxbarasho caadi ah , isagoo xusay in xaruntani tahay tan keliya ee isku hawsha waxbaridda dhallinyarada, sidaa darteedna loo baahan yahay in la daryeelo.

Hadal warbixin ah oo ku saabsan xaruntan cusub, dedaalkii loo soo maray hirgelinteeda iyo waxyaalaha ay ku soo kordhin karto horumarinta dhallinyarada, isagaoo agaasimuhu ugu horreyn u mahadceliyey Hay'adaha SIDA iyo DRC oo AYODA kala qaybqaatay hirgelinteeda.

Agaasinuhu waxa kale oo uu sheegay in dhallinyarada loogu talogalay inay xaruntan wax ku bartaan isugu jiraan kuwa waayey cid wax barta iyo kuwii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga. Dufcaddii walbana ay geleyaan lixdan dhallinyaro rag iyo gabdho ah oo midkiiba soddon xubnood laga qaadan doono.

Arrinmaha ay baran doonaan ayaa agaasimuhu ku sheegay inay yihiin nijaaradda, wax-qorista iyo wax akhriska, cilmiga kombiyuterrada, farsamada dhismaha ama wastaadidda, barashada xuquuqal insaanka, nabadaynta ama xallinta khilaafaadka, biyo-gelinta, dabgelinta, duubista cajaladaha maqal iyo muuqaal, umulisannimada, wacyigelinta iyo ka hortagga HIV/AIDS iyo FGMka.

Top


 #7“Musharaxiinta Madaxweynaha Iyo Ku-Xigeenku Cid Gaara Uma Xidhna, KULMIYE-na Laba Beelood Wuu Ka Weyn Yahay”

 “Dawladdu Maaha Inay Furihiisa Faro-Geliso Xafiis Ay Xuquuqal Iinsaanku Leeyihiin, Wixii Ka Dhashaana Ummadda Ayay U Taallaa”

Guddoomiyaha Kulmiye – Axmed Siilaanyo

Hargeysa, November 2, 2007 (Haatuf) – Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay in murashaxiinta jagooyinka madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku aanay cid gaara ama beelo gaara u xidhnayn, isla markaana loolanka xisbigooda gudihiisa ka jirana ku tilmaamay arrimo wada tashi, iyada oo uu cambaarayn xoog leh u jeediyey falkii ay ciidanka bileysku kula wareegeen xarunta hay’adda Shuro-net.

Waxaanu Axmed Siilaanyo sidaas ku sheegay wareysi gaara oo wargeyska Haatuf shalay siiyey, kaas oo uu arrimo badan kaga hadlayna waxa uu u dhacay sidan:

S: Maxaa keenay inuu shirweynihii mudadii loo qabtay ku qabsoomi-waayo, se ma la odhan karaa arintu waxay u muuqataa shirweyne Qaran?

J: Sidaad sheegtay shirkani waa mid aanu u aragno saansaanaha ka muuqdaa inuu yahay shirweyne Qaran, qabanqaabadii shirweynaha iyo ergooyinkiiba way dhamaystirmeen, laakiin hawlo aad muhiim u ah oo u baahan wada-tashi laga galo shirweynaha ka hor ayaa hadda gacanta lagu hayaa, hawlaha wada tashiguna waa kuwo naga ilaalinaya marka shirweynaha la gudo-galo inuu isqabsi yimaado, hawlahaana waanu dhamaystiraynaa, maalintaanu dhamaystirnana anagoo midaysan ayaanu shirkayagaa qabsanaynaa.

S: Ergooyinka shirweynaha ka qayb-galay maxaa lagu saleeyey saami-qaybsigooda?

J: Waxa lagu qaybshay qaabkii xisbigu dan mooday, afkaaro badan aya alaysku daray, gobolada iyo degmooyinka oo dhan way ka imanayaan, waxaanu ku salaynay oo kale doorashooyinkii hore ee la soo maray taageerayaasha xisbigu siday codadka gobolada iyo degmooyinka ugu kala badnaayeen waanu ku salaynay. Degaanadii aan doorashooyinka ka qayb-gelin ergooyin baanu u qoondaynay, bulshada laga tirada badan yahay, dhalinyarada iyo haweenkana wax baanu u qoondaynay, wada tashigayagiina markii aanu dhamaystirnayna aanu u aragnay in la wada aqbali karo, taageerayaashii hore iyo kuwa ku soo biireyba ha noqdeene ayaanu ku salaynay.

S: Waxa la sheegayaa in xisbiga gudihiisa uu gilgilay loolanka loogu jiro tartanka jagooyinka madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, arimahaasi sideed u aragtaa?

J: Horta kulmiye waa xisbi ay dimuqraadiyadu ka dhab tahay, xisbigayagu wuu ogolyahay in jagooyinka madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkaba laysku taago, waad maqasheen in rag badani ay cadeeyeen damacooda musharax, qaar aan is sheegin wali oo hunguraynayaana way jiraan, wax u diidayaana ma jiro, kolaybase laga maarmi maayo in arimahaasi wada tashi laga galo, si layskaga ilaaliyo in shirkayaga uu qaab fawdo ahi ku yimaado, wada tashiga noo socdaana waa intaa, waana waxaan afka qalaad lagu yidhaado Loping, waananu ku kalsoonahay inuu wada tashigayagaasi hab dimuqraadiya ku dhamaado.

 

S: Jagooyinka madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka musharaxnimadooda ma qaab beeleed baa lagu qaybsanayaa, mise si kale?

J: Horta jagooyinkaasi madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkaba gobolo iyo degmooyin iyo ashkhaas badan oo hunguraynayaaba way jiraan, waxyaalaha wada tashigu ka socdaana waxyaalahaasi laftigooda weeyi, aniguna imika ma carifi karo oo ma odhan karo cidaa ama gobolkaa ama degmadaa iyo qofkaasi ayuu noqonayaa musharax 1-aad iyo 2-aad midna ma odhan karo.

 

S: Waxa la sheegaa in jagada musharaxnimada madaxweynaha ee aad u taagantahay aanu loolan badan ka taagnayn, balse musharaxiin badani ku tartamayaan jagada 2-aad, arintaasi miyaanay saamayn ku yeelanayn jiritaanka xisbiga?

J: Horta anigu sida ay wax noqon doonaan ma sii mala awaali karo ama ha noqoto musharaxa madaxweynaha iyo gudoomiyaha ama ha noqoto musharaxa Madaxweyne ku xigeenka, way u furan tahay xubnaha xisbigu inay jagaday doonaanba ay isku taagaan taa xaqeeda cid laga qaadi karayaa ma jirto, sidaas darteed iyadoo dhacda mooyaane anigu imika ma odhan karo jagada madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeenka cid bay u xidhan tahay ama ay meel u taalaa, waa mid aan meesha qaban, aniga hadii lay doorto alxamdulilaahi, hadii cid kale la doortana alxamdulilaahi aad baanan raali uga noqonayaa, waxaanan qabaa inaanu wax khilaaf ahi ka iman doonin siday doonto haw dhacdee, cid gooniya oo aan ku odhan karo ilaa imika madaxweynaha cidaasaa la siinayaa oo isku hubtaana ma jirto.

 

S: Taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee gobolka Awdal waxa la sheegay in markay kulano qabanayaan xukuumadda cadaadis badan kaga yimaado, arintaas sideed u aragtaa?

J: Horta Awdal wixii wanaaga ama dhibaato ah ee ay gobolada kale ee dalku qabaanba way qabtaa, siday iigu sheegeen cabashooyinkooda waaba laga yaabaa in cadaadis aan saarnayn dalka intii kale uu gobolkaasi sii saaran yahay, waan ka xumahay in arintaasi ay ka jirto iyaga iyo gobolada kaleba, xisbi ahaana waanu u soo dhoweynaynaa gobol ahaan iyo dad ahaanba, sida aanu gobolada kaleba u soo dhoweyno.

 

S: Dhowaan saddexdiina xisbi waxaydun go’aan midaysan ka soo wada saarteen xaalada gobolka Sool, markaa go’aankaasi ma soo wadaysaan xagiina?

J: Horta mudooyin horeba anagu waxaanu soo jeedinaynay in wada tashi laga yeesho wixii Somaliya iyo caalamka inagaga maqan oo aragti midaysan laga yeesho, baaqaa aanu wada jirka u soo wada saarnayna taasi uun bay naga tahay, maamulkan hada jiraa waxaad moodaa inuu waxyaalo badan isku qaldaayo, maalin dhoweyd waxaa dhacday in waraaqo la soo saaray ay ku wada sawiran yihiin caalamadii xisbiga Kulmiye iyo caalamadii udub oo sidii ay labada xisbi isku biireen laga dhigay, arimaha noocaas ahina waa arimo qalada oo qayrul dastuuri ah, laba xisbi inay isku biiraana dastuurkuba ma ogola ama heer Qaran ama gobo lama degmo ha noqotee, xaq uma laha xisbiga udub inuu calaamada kulmiye intuu soo qaado kiisa uu ku baal qoro, iyadoon labada xisbi aanay go’aan wada jira oo ay isla ansixiyeen aanay isla gaadhin.

Ururka Qaran oo ah urur magac weyn leh oo qayb badan oo ka mid ah bulshadu wada taageersan tahay oo caalamkii ay ugu baaqayeen maxaa xuquuqdoodii loo siin waayay waynu ognahay in dawladu ay hortaagan tahay, waynu arkaynaa sida Shuro-net iyo saxaafadii loola dhaqmaayo, waxaas oo dhana xisaabtankoodu wuu imanayaa maalin maalmaha ka mid ah.

 

S: Sifaha ciidanka bileysku kula wareegeen xaruntii Shuro-net sideed u aragtaa?

J: Arrimahaa runtii anagu dawlada dhaleecayn baanu uga soo jeedinaynaa, dawladu xafiis ay xuquuqal iinsaanku leeyihiin inay furihiisa faro-geliso may ahayn, hay’ad ay dawladi wadataana xuquuqal iinsaan ma difaaci karto, marka hay’adihii u abuurnaa xuquuqal iinsaanka ay dawladu dhinac iskaga dhigtay oo ay doonayso inay iyadu shaqadii fuliso wixii ka dhasha ummadda Somaliland bay u taalaa, balse anagu waxaanu u aragnaa talaabo aan hagaagsanayn.

 

S: Waxa la sheegayaa in weerarkan xukuumadu ku qaaday Shuro-net, ay sababtay hay’adaas oo xisbiga Kulmiye loo tirinaayo, arintaa sideed u aragtaa?

J: Kulmiyaa ka dambeeya Shuro-net caqligaba ma gasho, boqol urur baa ku jira shuro-net ee maxaa xisbiga Kulmiye loogu aanaynayaa, shicibku xisbiga Kulmiyey la socdaan 100% markaa, macnuhuna ma waxa weeyi hadii shicibku KULMIYE la socdo waa la ciqaabayaa oo waa la laynayaa oo waa la xidhxidhayaa miyaa, miyaanay taageerayaasha KULMIYE iyagu xuquuq lahayn, ma gaala ka hadheen baa, laakiin shuro-net marka laga hadlaayo KULMIYE shaqo kuma laha, markaa arinta shuro-net arin kulmiye iyo kulmiye la’aanba ku shuqul leh maaha, hase ahaatee waxay ahayd shuro-net hay’ad ka ilaalisa maamulka jira xuquuqal iinsaanka uu ku tunto, ta dagaalka loogu qaadayna waa arintaas ee maaha mid kulmiye awgii loo eryanaayo.

 

 


#5 Madaxweyne Rayaale Oo Ku-xigeenkiisa U Igmaday Inuu Sameeyo Guddi Qaran Oo Ka Hawl-gasha Gobolka Sool Iyo Buuhoodle

Hargeysa, November 2, 2007 (Haatuf) - Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa u igmaday Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasin inuu sameeyo guddi qaran oo ka kooban Xukuummadda, Sadexda Xisbi Qaran [KULMIYE, UCID iyo UDUB] iyo labada guddoomiye ee Goleyaasha Barlamaanka [Wakiillada iyo Guurtida], taas oo uu ku tilmaamay inay ka hawl-geli doonaan gurmadka iyo baahiyaha ka soo kordhay Gobolka Sool iyo weliba degmada Buuhoodle, isla markaana diyaarin doonta arrimaha taakulaynta iyo baahiyeed ee ka jira deegaankaas.

Sidaas waxa uu Madaxweyne Rayaale ku sheegay warqad qoraal ah oo uu diray Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin oo nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Haatuf.

“Sidaynu wada ognahay, waxa xaaladi ka soo korodhay qaybo ka mid ah Dalka jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo loo baahan yahay in aynu si wada jir ah uga hawl-galno xaaladda ka soo korodhay Gobolada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle” ayuu Madaxweyne Rayaale ku sheegay qoraalkiisa.

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu qoraalkiisa ku sheegay inuu go’aansaday inuu magacaabo Guddi Qaran oo ka hawl-gasha gurmadka iyo baahiyaha ka soo kordhay Goboladaasi, “Guddidaasi oo aad Guddoomiye ka noqon doonto, waxay diyaarin doontaa arrinta taakulaynta arrimaha baahiyeed ee ka jira deegaankaas.

Madaxweyne xigeen, waxaan kugu war-gelinayaa in guddidu ay ka koobnaan doonto Xukuumadda oo aad laba Wasiir ka soo qaadan doonto, labada Guddoomiye ee Wakiilada iyo Guurtiduna waxay soo magacaaban doonaan min xubin, saddexda Xisbi Qarana iyana waxay soo magacaaban doonaan min xubin oo ay kuu soo gudbin doonaan, Guddiga waxan u soo koobay si hawsha Guddigu habsami ugu socoto” ayuu yidhi Madaxweynaha Rayaale.

Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE iyo weliba goleyaasha Baarlamaanka ayaa hore ugu baaqay in la sameeyo guddi qaran oo ka hawl-gasha xaaladda gobolka Sool, isla markaana in talo-qaran laga yeesho nabadeynta dadka gobolka Sool iyo difaaca qaranka Somaliland.

Top


 #6“Xukuumaddu Ha Joojiso Faro-gelinta Shuro Net”

 “Dawladdu Inay Maamusho Ururka U Doodda Xuquuqda Muwaadinka Waxay La Mid Tahay Waraabe Adhi La Raaciyay”

“Waxaa walaac wayn nagu haya falalka is-daba jooga ah ee Xukuumadda Somaliland waddo, oo muujinaya astaanka lagu yaqaan keli talisnimo”

Somaliland Forum – War-saxaafadeed

Washington, November 2, 2007 (Haatuf) – Ururka Qurba-jooga reer Somaliland ee Somaliland Forum, ayaa si xoog ah u cambaareeyay farogelinta ay Xukuumadda Somaliland ku burburinayso dallada ururada xuquuqda Aadamaha Somaliland Shuro-net, isla markaana waxay Xukuumadda Somaliland ugu baaqeen inay faraha kala baxdo arrimaha ururada Bulshada Rayidka ah ee madaxa banaan.

Sidaana waxa uu ururka Somaliland Forum ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay ka soo saaray magaalada Washington ee cariga Maraykanka oo ay ku saxeexan yihiin xubnaha guddida hoggaaminta Somaliland Forum, waxaanu war-saxaafadeedkaasi isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Somaliland Forum waxa fajac iyo amakaag ku noqotay in Xukuumada Somaliland ay faraha kula jirto sidii loo bedeli lahaa maamulka ururka Shuro Net, oo loogu bedeli lahaa dad u shaqeeya laamaha dawlada. Abdillahi Wayab oo ah ninka loo doortay inuu noqdo gudoomiyeha cusub ee Shuro Net waxa uu hadda u shaqeeya Somaliland National News Agency (SOLNNA) oo ah hay'ad dawlada ka mid ah, shirkii lagu soo xulayna waxaa ka qaybgalay Wasiiro.

Somaliland Forum wuxu aad iyo aad u cambaareynayaa farogelintan Xukuumada Somaliland, waxaanu dawlada ugu baaqayaa inay faraha kala baxdo arrimaha ururuda bulshada ee madax banaan iyo gaar ahaan kuwa u hadla xuquuqda dadweynaha, sida Ururka Shuro Net. Dawladu inay maamusho ururka u dooda Xuquuqda Muwaadinka waxay la mid tahay Waraabe adhi la raaciyay. Falkani wuxuu muujinaya inay dawladu u tafo xaydatay inay burburiso ururada bulshada u adeega, waxa aanu hoosta ka xariiqayaa dulqaad la’aan iyo talo xumo.

Ururka Shuro Net waa urur u dooda dadka xuquuqdooda ay Xukuumadu duudsido, waa urur qabta shaqo muhiima oo ay u baahan yihiin shicibka iyo qaranka Somaliland. Waa urur ay ujeedadiisu tahay in uu sheego oo ka hadlo marka xukuumadu (Dawlada Dhexe iyo mid gobolba) ay samayso wax ku xad gudbaya xuquuqda muwaadinka; taasina waa mid ka dhigaysa in ururkani noqonayo mid sheega dhaliisha Xukuumaddu markasta oo ay ku xad gudubto xuquuqda muwaadinka. Taas macnaheedu maaha waa urur mucaarada, ee waxa weeyaan waa urur illaaliya xuquuqda muwaadinka, oo dhaleecaynaya dawlad kasta oo markaa jirta haddii ay ku kacdo falalka duudsiyaya xuquuqda muwaadinka.

Waxaa walaac wayn nagu haya falalka is daba jooga ah ee Xukuumada Somaliland waddo, kuwaas oo dhamaantood muujinaya astaanka lagu yaqaan keli talisnimo oo aad uga fog habka diimuqraadiyadda ah ee aynu qaadanay. Mar labaad waxa aanu Xukuumadda ugu baaqaynaa inay joojiso faragelinta maamulka ururka Shuro Net. Waxaanu dadwaynaha ku dhiiri gelinaynaa in ay caawiyaan Shuro Net, oo aanay Xukuumadda ka ogolaanin farogelintan. Ururkaasi xeerbay leeyihiin ee waa in ay u madax banaanaadaan shirarkooda iyo doorashooyinkooda.

Illaahay ayaa Mahad leh, Guushana Qaranka iyo Shicibka Somaliland.

SOMALILAND FORUM

Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.

Wixii faahfaahin ah ee arrintan ku saabsan, fadlan la soo xidhiidh xubnaha Gudiga Dhexe ee Somaliland Forum oo ah:

Chairman: Rashiid Gaaruf (USA), Chairman@somalilandforum.com

Vice Chair: Cabdiraxmaan Maxamed Magan (UAE), vice@somalilandforum.com

Secretary: Cabdinaasir H. Faarax (Canada), secretary@somalilandforum.com

Treasurer: Ismaaciil Cawed -Kenya , treasurer@somalilandforum.com

Member at Large: Axmed A. Jaamac (Somaliland), xubin@somalilandforum.com”

Top


 #8 Xildhibaano Iyo Wasiiro Ka Tirsan Dawladda Mbagathi Oo Cabdillaahi Yuusuf Ka Codsaday Inuu Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ka Dhigo Gacma Dheere

Baydhabo, November 2, 2007 (W. Wararka) – Sida uu qoray wargeyska Asharqal awsat ee ka soo baxa magaalada London, ilo wareedyo Somali ah ayaa waxay sheegeen in 81 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Mbagathi ee ka kooban 275 xubnood iyo 19 wasiir oo ka tirsan xukuumaddii dhowaan is casishay ay madaxweynaha Mbagathi Cabdillaahi Yuusuf u gudbiyeen qoraal ay kaga codsanayaan inuu wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma dheere u magacaaabo ra’iisal wasaaraha xukuumadda cusub ee Mbagathi.

Sida laga soo xigtay wargeyska Ashar qal Awsat waxaa ilo wareedyo Somali ahi ay xaqiijiyeen in ra’iisal wasaarihii hore ee is casilay sida muuqata aanu wax saameyn ah ku lahayn go’aanka uu Cabdillaahi Yuusuf ku magacaabayo ra’iisal wasaaraha cusub.

Masuul u dhaw Cabdillaahi Yuusuf ayaa waxa uu gaashanka u daruuray in booqashadii uu magaalada Baydhabo dorraad ku tegay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia aanay ujeedadeedu ahayn in Somalia lagu cadaadiyo musharax gaar ah.

Dhinaca kale Safiirka Somaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali ayaa waxa uu u xaqiijiyay wargeyska Asharqal awsat in ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia Cali Maxamed Geedi uu ku sugan yahay magaalada Nairobi halka sidoo kale kaaliyaha ra’iisal waarihii is-casilay Cali Maxamed Geedi uu wargeyska Asharqal awsat uu gaadhsiiyay oo keliya in Cali Maxamed Geedi aanu doonayn inuu faalo ka bixiyo asbaabtii keentay inuu is casilo. Waxana uu sheegay in Cali Maxamed Geedi uu iminka ku sugan yahay guri uu leeyahay oo ku yaal magaalada Nairobi isla markaana uu diiday inuu qabto mobilekiisa si uu uga jawaabo asbaabaha keenay is-casilaadiisa.

Top


 #9 TACSI

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu Tacsi u dirayaa isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaasha Xisbigaba qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuun CALI XASAN SHEEKH DOON oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. Marxuunku waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuunka Illaahay uga baryayaa inuu janadii fardawsa ka waraabe, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaanka ka siiyo.

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

MD. Axmed Maxamed Siilaanyo

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Top

TACSI

Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis; Dr. Siciid Axmed Nuur, Hormoodka Waxbarashada Jaamacadda Gollis; Xasan Maxamed Jaamac, Ku Xigeenka Hormoodka Waxbarashada Ee Jaamacadda Gollis; Rashiid Cumar Sh. Muxumed Iyo dhammaan Macallimiinta, Shaqaalaha Iyo Ardayda Jaamacaddu waxay tacsi u dirayaan Maxamed cali Xasan iyo Guuleed Cali Xasan oo ka tirsan qaybta tababarka macalimiinta ee Jaamacadda Gollis geeridii ku timid aabahood Marxuum Cali Xasan Sheekhdoon, oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Waxaananu marxuumka Illaahay uga baryaynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskiisana samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin aamiin aamiin.

Top


 #10 Xariif Magaalo Iyo Ganacsigii Sonkorta

By: Maxamed Cismaan Mire (Sayid) - Qaybtii 2aad.

 

Waa Kuma Xariif Magaalo:

 

Waa nin u xoog furan oo u firfircoon agaasinka xafladaha iyo hawlaha uu u arko inay ku jirto shaqadiisa ama dantiisa, dar-dartiisa iyo daf-daftiisuna waa mid la soo dhoweeyo oo lagu tilmaamo “Ciidan Malaa’igeed”. Balse, soo dhoweyntaasi aakhirka waxay noqotaa mid la qoomameeyo oo wuxuu geystaa khasaare laxaad leh iyo cawaraad lama filaan ah.

Hawlgallada Xariif-magaalo way kala duwan yihiin heer ahaan iyo farsamo ahaan, inkasta oo ay ka midaysan yihiin hab-dhaqanka aan hore u soo tilmaanay. Waxaanan soo qaadan karnaa laba ama saddex tusaale oo yar yar:

 

Xariif Magaalo waxa uu aad ugu badnaa magaaladii Muqdisho ee xarunta u ahayd Soomaaliyadii Burburtay, waxayna ka shaqaysan jireen luuqluuqyadii badnaa ee magaalada, gaar ahaan, sannadihii dambe markii musuqmaasuqa, laaluushka iyo maamul-xumada dowladdii Soomaaliya uu cirka isku shareeray.

Waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo muuqaal iyo gola-joog leh. Wuxuu badiyaa xidhaa isku-joog Safaari ah ama Suudh, lebiskaas oo had iyo goor lagu yaqaaney madaxda dowladda; dhinacana waxa uu ku qaataa Boorso nooca faylasha lagu qaato ah. Wuxuu kiraystay guri weyn oo Fillo ah, wuxuuna soo kaxaystay gaadhi yar oo uu soo ammaanaystey. Waxay ahaayeen maalmo uu mashquulsanaa oo ay dabayaacayeen haween badan iyo dhallinyaro uu hawlgeliyey, kuwaas oo uu ku kala deberayey, kuna kala dirayey been iyo hadal. Waxa loogu yeedhayey “Agaasime”.

 

Maalmahaas Xariif-magaalo waxa uu soo ogaadey in Haween badan oo baayacmushtarka loo yaqaanno Shaari-shaaridu ay u baahan yihiin inay helaan ruqsad dowladdu kaga iibiso Sonkortii ay soo saari jireen Wershedihii Jawhar iyo Madheedhley ee Soomaaliya. Waxa uu arkay inay halkaa fursadi ugu jirto oo uu ka shaqaysan karo, maadaama uu dusha ka yaqaaney oo marar badan meelo kala duwan kula kulmay Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Dooxada Jubba, isla markaana uu xidhiidh la lahaa gabadh xoghayn u ahayd wasiirka. Sidaa darteed, waxa uu sheegtay inuu yahay Agaasimaha Waaxda Sonkorta Wasaaradda Dooxda Jubba. Waxa uu dirtay dhallinyaro suuqa uga soo ururisa dadka dowladda uga baahan ruqsadaha, waxana uu soo ururiyey codsiyo badan, iyada oo ay weheliso khidmad yar oo qofkasta uu soo raaciyey. Nasiib wanaag, waxa uu ku guuleystey laba qof inuu uga soo dhammeeyo ruqsaddaas, taas oo uu ku helay aqoonsi iyo in dad badani aaminaan. Intaa wixii ka dambeeyeyna waxa uu kala guran waayey iyo casuumado lagu kala hororsanayey oo ay u fidinayeen dadka doonayey inuu ka wasteeyo ama uu u suurageliyo ruqsadaha lagu iibsado Sonkorta, gaar ahaan haweenka oo uu had iyo goor abaaro, maadaama uu si fudud isaga dhaadhicin karo, una dhigi karo Indha-sarcaad. Casuumadahaas, waxa wehelinayey laaluush iyo kharashaad kale oo la siinayey, iyada oo inta uu ku maqan yahay casuumadahaasna ay dad badani hoganayeen gurigiisa iyo goobaha uu kula kulmi jirey macaamiishiisa, sida xarunta Wasaaradda Qorshaynta oo inta uu fadhiisto xafiiska xoghaynta uu dadka lagu odhan jirey wuxuu la fadhiyaa Wasiirka.

Xariif-magaalo, maalmo badan oo mashquul iyo casuumado ah, kadib markii wakhtigii dheeraaday waxna ka soo dhiiqi waayeen wixii uu dadka u sheegay, waxa uu waxoogaa lacag ah ka urursaday qaar badan oo ka mid ah haweenkii ruqsadda doonayey, kadibna inta uu iska fasaxay gurigii iyo gaadhigii uu hawsha ku fuliyey, ayuu dhinac kale uga wareegey magaaladii weyneyd ee Muqdisho. Ninkii aragtidiisu casiiska ahayd, qaabilaaddiisuna xushmadda iyo ixtiraamka huwanayd, casuumaddiisana la isku dilayey, waxa uu noqday nin weli la doondoonayo, balse, halkii lala doonayey lacagta iyo casuumadda, waxa iminka lala doonayaa waaran qabasho iyo jeel, ammaantii iyo qaddarintiina waxay isu beddeshey cay iyo ceeb. Wuxuuna ku dambeeyey in la qoomameeyo soo dhoweyntiisii iyo barashadiisii.

Way badan yihiin farsamooyinka iyo noocyada Xariif-magaalo iyo balwadahoodu…

La soco Qayb kale oo xiiso leh …….

Maxamed Cismaan Mire, Hargeysa.

Top


 #11 Bandhig-Faneed Lagu Kaalmaynayo Ciidanka Qaranka Oo Lagu Qabtay Hargeysa

 Hargeysa, November 2, 2007 (Haatuf) – Koox fanaaniinta qaranka Somaliland ah ayaa riwayaad loogu talo galay kharashka ka soo baxa in lagu kaalmeeyo ciidanka qaranka Somaliland eek u sugan jiidaha laas-caanood ka dhigay xalay Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland, golayaasha iyo marti sharaf kale oo badan.

Riwaayadan oo loogu magac daray “Isku Yeel kala Ooman”, isla markaana ay qaban qaabiyeen iskana kaashadeen kooxda fanaaniinta qaranka iyo marwo Faadumo Siciid ayaa ka hor intii aan la bilaabin riwaayada waxaa hadalo kooban halkaasi ka jeediyay qaar ka mida masuuliyiintii halkaasi ka soo qayb gashay.

 

Wasiirka wasaarada dalxiiska fanka iyo suugaanta Somaliland C/risaaq Waaberi Rooble oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada riwayadani ku fadhido isaga oo mahad naq weyn u soo jeediyay kooxda fanaaniinta ah ee daadahaynayay riwaayada, oo uu ku tilmaamay in ay si mutadawacnimo ah isu xilqaameen , iyaga oo xusay in ujeedadoodu tahay kharashka ka soo baxa ay ugu deeqaan ciidanka qaranka Somaliland “ waxaanu aad ugu mahad naqaynaa kooxda fanaaniinta ah oo iyagu isu xilqaamay oo mutadawacnimo la yimi, aad baanu ugu mahad naqaynaa waayo waxay gudanayaan waajibkii qaranka ka saarnaa oo ah mid qof walba saaran loogana baahan yahay.

Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa maamulaha hotelka Maansoor C/qaadir Xaashi Cilmi oo isna ugu deeqay hoolkan shirarka ee aynu isugu nimid. Waxaanu ugu talo galay riwaayadan in dhamaan gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan laga wada dhigo oo kharashka ka soo baxa loogu deeqo ciidanka qaranka Somaliland” ayuu yidhi C/risaaq Wabari Rooble.

Waxaa kale oo halkaas ka hadashay marwo Faadumo Siciid oo wax ka soo agaasimtay qanaqaabada bandhig faneedkan.

Marwo Faadumo waxay ka warantay ujeedada bandhig faneedkan ama riwaayadan, iyada oo macnaynaysay sida ciidanka qaranka lagu kaalmaynayo sababo la xidhiidha xaaladaha dagaal ee lagu jiro awgeed, waxaanay xustay in arrintani ay khusayso qof kasta oo muwaadina sidii uu uga qayb qaadan lahaa halganka difaaca qaranimada Somaliland.

“Qof kasta oo muwaadin ah waxaa ku waajiba ah in uu maanta xoogiisa, maskaxdiisa iyo maalkiisa ku biiriyo ama ku kaalmeeyo ciidamada qaranka Somaliland ee maanta jooga xuduudeenii” ayay tidhi Faadumo Siciid iyada oo intaasi ku dartay “cid alale ciddii doonaysa in aanay ka qayb qaadato qaadhaanka loo ururinayo ciidamadeena waxa aanu u furaynaa Account oo aanu dahabshiil uga furayno nombar Account kaasna qof kasta dib ayaanu uga sheegi doonaa warbaahinta, markaa waxa aau jecelnahay in qof kastaa dibadiyo gudaba uu ka qayb galo”.

Top


 #12 Xaqa Haloo Sheego Si Hor Illaahay Ah, Haddaynu Qarinana Waa Ayaandaro

Ilaahay wuu ina weydiin doonaa hadaynu xaqa qarino kana baqano makhluuq sheeganaya awood oo hunguri dadka ku raacno , ogoow qof kastoow in ilaahay ku xisaabinayo hadaad xaqa sheegi weydo si hor ilaahay ah oo daacad ah , hayada xuquuqul insaanka shuronet waxa fara galisay xukuumada iyadoo adeegsanaysa laba nin oo selfish ah wayab iyo Saleebaan Xuquuq , hay’ada shuronet laba nin iyo wax ka badani waxba ka qaadi maayaan , hay’ada dafiray in la eryay qof ajanabi ah oo madax u ah hay’ada xuquuqul insaanka , hay’ada UNDP waa hay’ad basaasnimo wadanka u joogta ,komishanka qaranka qaybta xuquuqul insaanka waxa ku jira laaxin maxaa runta u diiday? Hadii la yidhaahdo ururka QARAN waxay ku xidhan yihiin cadaalad daro miyaan runta la sheegin? Waar runtii , ma fantay noqotay ? haddii xaqa la iska indho daboolo dulmiga la isku gargaaro waa ayaan daro.

Waxa jira hay’ado badan oo ku gabada magaca sama fal laakiin xaalkoodu yahay ( qawda maqashii waxna ha u qaban) xaqay tagi haddii eebe idmo.

Calanka tawxiidka ee wasaaradaha la sudhay ee hadana agtiisa lagu samaynayo dulmiga ilaahay baa la xisaabtami.

Axmed Nuur Saleebaan, Hargeysa

Top


 #13 KULMIYE Waxaan Ka Baxay Markii Xukunka Qabsan Kari Waayay

 Anigoo ah mujaahid Cumar Asqo waxaan doonaya warqadii aan arjiga ugu qoray madaxweynaha aad ii soo dhamayso madaxweyne, hadaba anigu markii hore waxaan ahaa ciidanka qaranka waxaan uga baxay markii xaqaygii la dafiray, markaa waxaan ku biiray kulmiye isagana waxaan ka baxay markii uu ka soo qabsan waayay xukunka madaxweynaha.

Hadaba siilaanyo iyo dadka la taliyaa markii hore waxaan sugaynay madaxweyne laakiin markii uu ku ceshaday Rayaale ee Siilaanyo uga baqay ayaan kulmiyena ka baxay .

Dagaaal baa sool lagu qaaday, anigu Somaliland iyo xornimadeeda ayaan ka shaqaynayaa waxaan doonayaa lacag aan dalka aan wax kaga xoreeyo.

Muj. Cumar Asqo, Hargeysa   

 

Top


 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top


 

 

Top