“Ma Waxa Somalia Looga Tagaa Argagixisada Caalamiga
Ah Iyo Khaliifyada Al-Qaacida?”
Wasiirka Arrimaha Debada Ee Itoobiya, Waraysi Qaybtii 2-aad
Aqoonyahan Reer Somaliland Oo Ku
Guuleystay Abaalmarin
Golaha Guurtida Oo Qayral-Dastuuri Ku
Tilmaamay Wax Ka Bedelkii Ay Ku Sameeyeen Xeerka Doorashada Degaanka Iyo
Madaxtooyada
Qaar Ka Mid Salaadiinta Iyo
Ganacsatada G/Awdal Oo Cadho Ka Muujiyey Xoolaha Kaga Xanniban Degaanka
Xeebaha Galbeedka ,Isla Markaana Digniin Ka Bixiyey Waxa Ka Iman Haddii An
Degdeg Loo Sii Deyn
Alle-bari – Maanso
Madax-Dhaqameedka Iyo Wax-Garadka
Beesha Bariga Burco Ah Oo Diidmo Culus Ka Muujiyey Kootada Ay Xukuumaddu Ku
Soo Rogtay Ganacsiga Xoolaha Nool
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Wadaad Iyo
Waranle, Xaawa Waa La Wada Col
Beenay Waa Run
|
|
“Ma Waxa Somalia Looga Tagaa
Argagixisada Caalamiga Ah Iyo Khaliifyada Al-Qaacida?”
Wasiirka Arrimaha Debada Ee Itoobiya, Waraysi Qaybtii 2-aad |
Intiinii akhrisatay cadadkii Haatuf ee shalay waxa aanu idiinku soo
gudbinay qayb ka mid ah waraysi dheer oo dhinacyo badan leh oo Wargeyska
ka soo baxa dalka Faransiisku la yeeshay Wasiirka Arrimaha Debada ee
Itoobiya Seyum Mesfin, waxa aanu maantana halkan idiinku gudbinaynaa
qayb kale oo ka mid ah waraysigaasi.
Waraysigaasina waxa uu ku bilaabmay.
S: Waxa aad nooga warantaa ujeedada safarkaaga Paris?
J: Waxa aan halkan ku imid joogto ah oo ku saabsan iskaashiga labada dal
iyo in aanu is-dhaafsano xogo ku saabsan gobolka iyo caalamkaba,
waxaanan la kulmay Wasiirka Arrimaha Debada ee Faransiiska iyo hay’adaha
kale ee xidhiidhka la leh.
S: Waxa uu hore Raiisal Wasaarihiinu u sheegay in ciidamada Itoobiya ay
todobaado kaga soo bixi doonaan Somalia sannadkii hore, haatana sannad
ayay qaadatay, waqtigaa ka dibna waxa loo arkaa inaydaan Somalia guul ka
gaadhin?
J: Xaaladu way wanaagsan tahay horumarna waa laga gaadhay, marka loo
eego siday ahaayeen Muqdisho iyo Somalia December sannadkii hore.
11-kii bilood ee u dambeeyay wax badan ayaa isbedelay, oo la xidhiidha
dhismaha hay’adaha dawladda ku meel gaadhka ah. Sidoo kale xaaladda
nabadgelyada lafteeda waxbaa iska bedelay. Waad ogtahay inay Somalia
inteeda badani ay ahayd meel la tagaa ma jirto sannad horteed. Maanta ma
jirto meel la tagaa ma jirto. Laakiin dabcan taasina macnaheedu maaha in
aanay weli jirin nabad gelyo xumo. Muqdisho waa mid, gaar ahaana xagga
koonfurtuna waa mid kale, gobolada dhexe, Galguduud iyadana xaaladeeda
nabadgelyo way xuntahay, sababta oo ah waxay u dhawdahay inay xarun u
noqoto argagagixisada caalamiga ah, laakiin sida laga ogyahay xaaladu
aad ayay isku bedeshay, waanay sii socon doontaa.
S: Wararka saxaafadu xambaarayso iyo sawirka uu ka bixiyay aqoonyahanka
Maraykanka ah ee Michael Weinstein, ciidamada Itoobiya hawlgalada ay ka
wadaan Somalia way ku guda balaadhatay sidii ay moodayeena may noqon,
marka lagu daro Midawga Afrika weli may soo dirin 8000 ee ciidamada ahaa
ee ay ku balan qaadeen, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayna in aanay
haynin ciidamo ku filan oo nabad ilaalin loogu diro Somalia, weli
Itoobiya ma waxay rumaysantahay in arrinta Somalia xoog lagu xaliyo?
J: Aan kuu sheego, Milaterigu xal maaha, mana xaliyo qalalaasaha
siyaasadda. Sida caadiga ah dhibaatada Somalia waxay ahayd mid ku
salaysan siyaasad. Shaki kuma jiro taasi. Laakiin aynu ka hadalno waxa
ay xaqiiqadu tahay, halkii aynu waxa la sheeg-sheegayo iyo fikrado aynu
iska aamino qaadan lahayn. Halkay jirtaa guda balaadhashadu? Somalia
waxay ahayd Qaran guul-daraystay, oo aan dawlad lahayn 15-16 sannadood.
Maanta Somalia waxay leedahay hay’ado dawli ah, ha shaqeeyaan amaba
yaanay shaqayn’e waxba kuma jabna taasi. Maanta Somalia waxay leedahay
dawlad taagtay doontaba ha lahaatee, waxa ay leedahay dastuur ku meel
gaadhka ah iyo baarlamaan federaali ah. Tani may jirin dhawr sannadood
horteed. Waxa jira isbedel ah inay ka soo kabanayso sharci la’aantii iyo
dawlad la’aantii oo ay wadada sharciga ah, oo la doonayo in dalka lagu
soo dabaalo sharciga iyo kala dambaynta. Taasi macnaheeduna maaha inay
Somalia ka tegayso meel xun oo ay ku sii socoto meel ka sii daran.
Tanina waa horumar la taaban karo. Waa maxay markaa guda balaadhashada
aad sheegaysaa? Ma waxa weeye In Somalia sideeda looga tago argagixisada
caalamiga ah iyo khaliifyada Daalibaan. Maanta dalka waxa maamula
hay’adaha federaaliga ah ee ay ku jiraan dhammaan qabaa’ilka oo dhami.
Markaa halkay dhibaatadu jirtaa.
La soco
Aqoonyahan Reer
Somaliland Oo Ku Guuleystay Abaalmarin |
Waxaa loo aqoonsaday in la siiyo abaal marin gaar ah
Jaamac Muuse Jaamac oo dugsiga dhallaanka ee "Rosa Agazzi", Pisa, ka
hirgeliyey kulanno ay carruurtu ku baran karto xisaabta sahlan iyagoo
ciyaaraya ciyaar-dhaqameedka Afrika ee dhulka Soomaalidu dagto looga
yaqaanno Leelogoobalay, ama Layli Goobalay amase Riya ka dhalis.
Aqoonsiga Personalitą Ludica dell'Anno (PLdA) oo la siiyo dadka
sannadkii tagay kaalmo fiican ka gaysta fidinta iyo horumarinta
cayaaraha loo adeegsado waxbarashada iyo kobcinta maskaxda dhallaanka,
ayaa sannadkii hore waxaa ku guulaystay xisaab yahan Ennio Peres oo loo
aqoonsaday inuu ikhtiraacay ciyaaro maskaxda carbin wanaagsan ku sameeya.
Sannadkan waxaa isna ku guulaystay Mauro Gaffo oo ah Isuduwaha Wargeyska
Focus Brain Trainer.
Mauro Gaffo wuxuu kasoo baxay tartan aad u kulul oo ay
isugu soo hadheen markii u danbaysay war-tabiyeyaal reedhiyow ciyaaraha
ka hadla iyo xeel dheereyaal ku caan ah ciyaaraha iyo fidintooda.
Guddiga Qabanqaabada oo ka kooban 40 qof oo xeel-dheereyaal ku ah
ciyaaraha iyo barashada ciyaaraha ayaa muddo dheer ka doodaayay dadkii
iyo ururradii lasoo sharraxay si ay ugu baratamaan abaal marinta.
Guddigaas oo ay hor kacaysay marwo Nicla Iacovino, Agaasimaha
Jariiddadda Tangram, ayaa waxay bixiyeen abaalmarinno gaar ah oo loo
kala aqoonsaday Dario De Toffoli, degelka internetka ee gilda.it iyo
Dugsiga Dhallaanka ee Rosa Agazzi. Dario De Toffoli waa ciyaar allife
caan ka ah talyaaniga, waxaana uu ku guulaystay tartankii London ee
ciyaaraha adduunka Mind Sports Olympiad 5, oo uu kala galay ciyaarta "Numer
Quest" kaalinta kowaad, iyo dhowr tartan oo kale oo uu kusoo baxay
kaalmaha labaad iyo saddexaad.
Sannadkan waxay guddigu u aqoonsatay inay siiyaan abaalmarinta gaarka ah
ee Waayo-aragnimada. Degelka gilda.it waxaa lagu abaalmariyey in uu
bixinaayay muddo toban sannadood ka badan adeegyo bilaash ah oo uu
hormariyey fidinta ciyaaraha ee Italy.
Dugsiga dhallaanka ee Rosa Agazzi waxaa lagu abaal mariyey inay
carruurta ku ababiyeen dhaqan wadaagga iyo barashada xisaabta iyadoo la
adeegsanayo ciyaaro carruurta xiise geliya.
Jaamac Muuse Jaamac oo hore u qorey buug ka hadlaaya ciyaartan oo la
yidhaahdo "Layli Goobalay: Variante Somala del Gioco Nazionale Africano"
ayaa u mahad celiyey Guddiga Qabanqaabada Abaalmarintan sannadlaha ah,
sheegayna inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay in qiime gaar ah la siiyo
ciyaar dhaqameedka waddamada ka baxsan reer galbeedka oo had iyo jeer la
illaawo faa'iidada ay u yeelan karaan kordhinta aqoonta guud, gaar ahaan
barashada xisaabta. Jaamac Muuse Jaamac waxa kale oo hore u sameeyey
barmaamij lagula ciyaari karo kombiyuuterka ciyaartan, kaasoo si bilaash
ah halkan loogala degi karo.
redsea-online.com
editor@redsea-online.com
www.qoraaga.com
Diyaariye: Sayid Maxamed Yuusuf
Golaha Guurtida
Oo Qayral-Dastuuri Ku Tilmaamay Wax Ka Bedelkii Ay Ku Sameeyeen
Xeerka Doorashada Degaanka Iyo Madaxtooyada |
Hargeysa, November 28, 2007 (Haatuf) – Guddi hoosaadka
arimaha gudaha ee golaha guurtida Somaliland wax ka bedelka ay golaha
wakiiladu ku sameeyeen xeerka doorashada golayaasha degaanka iyo
madaxtooyada ku sameeyey ku tilmaamay qayral-dastuuri, waxayna guddigani
sidaa ka sheegay fadhigii shalay ee golaha guurtida.
Xeerka doorashada golayaasha degaanka iyo madaxtooyada oo ay dhowaan
golaha wakiiladu wax ka bedel ku sameeyeen, ka dibna go’aan gole lagu
meelmariyey wax ka bedelkaa, waxaana loo gud-biyey golaha guurtida, taas
oo uu shirgudoonka guurtiduna ku wareejiyey guddi hoosaadka arimaha
gudaha si ay daraasad ugu soo sameeyeen wax ka bedelka xeerkan lagu
sameeyey, guddigaasina maalintii shalay ayey fadhiga golaha soo
hordhigeen talo-bixintooda, waxayna golaha u soo jeediyeen inaan xeerkaa
laga dooddin, iyagoo ku tilmaamay inuu dastuurka ka soo horjeedo.
Gudoomiyaha guddi hoosaadka arimaha gudaha ee golaha guurtida, mudane
Axmed Muuse Obsiiye ayaa war-bixin ka siiyey golaha waxyaalihii ay ku
soo arkeen xeerkaa, wuxuuna sheegay in qoddobo door ah oo ay wakiiladu
ku soo dareen xeerkaa ay dastuurka ka hor-imanayaan iyo weliba buu yidhi
xuquuqda muwaadiniinta, sidaa darteedna waxa uu soo jeediyey inaanu
goluhu dooddiisa gudo gelin, loona saaro guddi ka soo talo bixisa sida
xeerkaa uu goluhu uga go’aan qaadanayo iyo waxa uu ka yeelayo. Ka dibna
gudoomiye-kuxigeenka koowaad ee golaha guurtida oo fadhiga shalay ee
golaha gudoominayey ayaa madashii fadhiga kaga dhawaaqay guddi ka kooban
15 xubnood oo loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan xeerkaa iyo waxa
uu goluhu ka yeelayo, guddigaasna waxa gudoomiye looga dhigay
gudoomiye-kuxigeenka labaad ee golaha guurtida mudane Siciid Jaamac Cali.
Qoddobada ay golaha wakiiladu wax ka bedelleen ee xeerkan waxa ka mid ah
inay doorashada xubnaha golaha degaanku noqoto mid toos ah, halka ay
markii hore ka ahayd liis ay xisbiyadu soo gud-binayaan oo sidaa lagu
doorranayo. Waxa kale oo ka mid ah qoddobada ay wakiiladu ku soo
kordhiyeen xeerkaa in haweenka iyo beelaah la hayb sooca ee Gabooyuhu ka
mid yahay loo xidhi kuraas musharaxnimo oo kooto ah oo ay keligood ku
tartamaan. Laakiin qoddobada caynkaas ah ayey guurtidu qaarkood ku
tilmaameen qayral-dastuuri.
Qaar Ka
Mid Salaadiinta Iyo Ganacsatada G/Awdal Oo Cadho Ka Muujiyey Xoolaha
Kaga Xanniban Degaanka Xeebaha Galbeedka ,Isla Markaana Digniin Ka
Bixiyey Waxa Ka Iman Haddii An Degdeg Loo Sii Deyn |
''Ciidankii loo diray xuduudaha inay ilaaliyaan ayaa xoolaha
haysta,ganacsatadubna way haystaan hub iyo lacag ee dawladda dhexe hasoo
kala gaadho intaan la isku dhicin " Suldaan Dugsiiye
Boorama, November 28, 2007 (Haatuf) – Qaar ka mid ah ganacsatada xoolaha,
salaadiin iyo Cuqaal ka tirsan Gobolka Awdal ayaa dareen cadho leh ka
muujiyey xanibaadda ciidamada qaranka ee ka hawlgala degaanada xeebaha
galbeed xoolahaasi ka horjoogsadeen in loo iibgeeyo dalka Jabuuti.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, ganacsatadan, cuqaasha iyo salaadiinta oo shalay dareenkoodaasi
u sheegay Haatuf iyo Awdalnews, ayaa waxay dhammaantood ka sinnaayeen
dhibaatada xoolaha ku haysata degaanada lagu xayiray, khasaaraha
ganacsatada ka soo gaadhi kara xannibaaddaasi, sida dawladda Somaliland
aanay diyaar ugu ahayn inay xoolahooda toos uga iibsan karaan cid kasta
oo qiimo fiican kaga iibsanaysa, iyo cashuurta laga amray inay ka
qaadaan ciidamada halkaas ku haysta oo ay ku tilmaameen inay tahay mid
dhac ah oo aan cashuur ahayn.
Mid ka mid ah ganmacsatadaasi oo magaciisa la yidhaahdo C/laahi Faarax
Rooble ayaa isagu yidhi "Waxa halkaa (Geerisa) lagu haystaa in ka badan
5,000 (shankun) oo neef oo geela iyo 20,000 (labaatan kun) oo neef oo
adhi ah, xoolahaasi khatarbay ugu jiraan inay dhintaan haddii aan degdeg
loo sii deyn, waxa loo haystaana waxa weeye cashuur baad ah. Annagu waan
oggolahay inaan iska bixinno cashuurta laga qaado Berbera. Waxa xoolahaa
leh ganacsato badan, garanna maynno meel laga haysto.”
C/Raxmaan Ismaaciil Warsame, kana mid ah ganacsatadaasi ayaa isna yidhi
"Waxa jira dhibaato badan, waxa la leeyahay ninbaa loo xidhay dadka kale
shaqo kuma laha, annaga hadii nala yidhaahdo carabka ka iibiya oo uu na
siinayo 47 doolar waan ka iibin lahayn. Halkaa waxa ka soo socda wax
foolxun dawladdu hana soo dhex gasho, dadkii iyo dawladdii way isku
dhacayaan."
Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye ayaa isna yidhi "Laba bilood ayay socotay
arrintani meel xunbay ka taagan tahay gobolka, Baayacmushtarka haddii la
cabudhiyo isku-dhac baa yimaadda, lacag iyo qoriba way haystaan,
Ciidanka loo diray xuduudaha ayaa xoolaha haysta sidaa darteed waxaan
leeyahay dawladda sare, umadda gobolka Awdal waa inaanay nin u xidhnaan
xooluhu.. Waxa xalay noo yimi ganacsatada xoolaha oo cadhaysan, waananu
qaboojinnay, badhasaabka ayaan u tegnay, dawladda dhexe iyo wasiirka
daakhiliga ayaan gaadhsiinayaa ayuu nagu yidhi ".
Raage Xaddi kana mid ganacsatada xoolaha ayaa isna yidhi “Walaahi kolley
arrintaasi way adagtahay, garana maynno waxa ganacsatada gobolka gaar
looga dhigay, waana arrin la isweydiinayo waxa laga yeeli doono."
Caaqil Maxamed Qalinle Muuse ayaa isna yidhi "Xoolaha halkaa ku xidhan
ee dhaqaalaha laga doonayo waxan leeyahay hala sii daayo wixii waddanku
cashuur leeyahayna in laga qaado weeye."
Abwaan Maxamed Saleebaan Cumar
Maansadan oo uu hal-abuuray Abwaan Maxamed Saleebaan Cumar, waxay soo
baxday 1.08.2006, waxaanay ka curatay munaasabad lagu unkayay qoys bilaw
ah. Magaca tixdu waa Alle-bari waxaanay kula baxday sabada la joogay
awgeed, waxa gabyaagu door-bidayaa in uu wax walba ka horreysiiyo u
ducaynta dadka qoyska bud-dhigaya. Jiiftadani kuma iman deg-deg curineed,
hasa-yeeshee taas baddalkeeda waxay ku samaysantay baaran-deg iyo
fiir-fiirin badan. Isaga oo hal-abuurku wax ka tibaaxaya arrintaasna
waxa uu yidhi: “ waa maanso xanbaarsan aqwaal samaawi ah, sidaas oo ay
tahayna ma sahlana obocdeedu”. Waxa uu abwaanku bixinayaa hoga-tus iyo
hawaala-warran uu kula hadlayo mid wal oo ka mid ah lammaanaha nolosha
wadaagaya.
Sidoo kale waxa maansadu daah-furaysa hor-dhaca daraasad aan wali
dhammays noqonin, taas oo naqdiyaysa sababta guryo badani u burburaan
abyiddooda ka dib. Waxa abwaanku qabaa in ujeedada biyo-kama-dhibcaanka
ah ee abuurtu cibaadada ka dib tahay in aadamuhu tarmo, sidaas oo ay
tahayna ay xulashada lamaanuhu mar walba u baahan tahay in laga eego
dhinacyada, sarriigashada, anshaxa, garashada,diinta iyo dabeecadda.
Waxa Maxamed Saleebaan il-duufayaa in qoysku noqdo madal buuqqa loogu
yimaaddo, maadaama ay sidaas tahayna waxa uu dhiirri-galinayaa in qof
wal oo qoyska ka mid ahi garto xilka iyo waajib-gudashada u yeedhaysa.
Abwaanku waxa uu ku bilaabayaa maansada Alla-bari sidan:
1. Ereyada higgaadiyo
2. Hadalada aftahankaan
3. Hal-abuurayaayoo
4. Sida waayo-aragiyo
5. Uur-ku-baalle maqanbaan
6. Unkayaa dhawaaq culus.
7. Iyadooy geddaas tahay
8. Ula-jeedadayduna
9. Ku aroorto geediga
10. Iyo unuga daba yaal
11. Ma illaabin jiiftada
12. Indha-saabna maan xidhan
13. In yaroon belaayada
14. Illinkeedi baasaa
15. Awdaayay mooyee
16. Arartii kamaan tegin
17. Mana tuurin eebada
18. Laygu eersanaayee
19. Nin afeeyay baa jira.
20. Afartaas sir iyo caad
21. Olol damay ka soo qaad
22. Afar kalena xeeshay
23. Iyo ibo-fur maanseed.
24. Gabdhayahow islaameed
25. Wacadkii ilaahay
26. Udubkiini baa jabay
27. Mar kalena or iyo dood
28. Axalkiini dheeraa!
29. Urugana dhabtiinay
30. Amakaag la kududaa
31. Uur-ku-taaladeeday
32. Hadba oogadiiniyo
33. Adhaxdiina saartaa.
34. Eedaad ma sheegina
35. Ifafaale maqan baan
36. Ka arkaa hir dheeroo
37. Ergay baan u ahay ruux
38. I dhegaysanaayee
39. Waxa keenay aanada
40. Ma idiin asteeyaa?
41. Allaylahe barbaareey
42. Indhahoo garaadkiyo
43. Aragaba wadaagaa
44. Gobonimada aasoo
45. Ibtilada hor-seedoo
46. Utin iyo xun beeree
47. Xulashada asluubtiyo
48. Ha ka tagin af-garashada.!
49. Or kalana siday tahay
50. Abidkeedba noloshuu
51. Goray cawl-Haldhaa arag
52. Ku ilaashanaayoo
53. Awaalaanigiibuu
54. Aar –Gool ag joogoo
55. Asal raadintiibu
56. Arbe-Qalanjo doonoo
57. Arrintoo mur gaadhuu
58. Yac-Atoorku baafshoo
59. Aw-Jaxeed Masaashuu
60. Aawadeed u soomoo
61. Anfariirka Deerkii
62. Deeruu aroostoo
63. Urre baaqyadiibuu
64. Arre doonis helayoo
65. Eedaankii subaxbuu
66. Sange Geenyo uriyoo
67. Dhamideed ugaadhaas
68. Oo Adeeryo lagu daray
69. Iyo uun kaloo badan
70. Aramida kal-gacalbaa
71. Oofaha jajabisoo
72. Iyadaa dhalaalkiyo
73. Ka idlaysay dheehoo
74. Midba wuxu u ololaa
75. Ka kalee u ooyoo
76. Waxa uu u oomaa
77. Ka asay u qaadoo
78. Anba-qaad jacaylbay
79. Isku aaminaanoo
80. Waxay isu astaystaan
81. Wax ammaan ka xeel-dheer
82. Alkumaadda qoyskuna
83. Waa aayatiinkiyo
84. Iidaanka noloshoo
85. Allaheenna mooyee
86. Qofna kali-ahaantii
87. Libin oodan maayee
88. Asalkaba barbaareey
89. Istadaacadiiniyo
90. Kartidiinna eegoo
91. Fadhi eber ma doorshee
92. Abya qoysas baraka leh.
93. Malaa wayla oroddee
94. Aqalkaad dhisaysiyo
95. Qoyskaad unkaysiyo
96. Aas-aasidaaduba
97. Waa unugga samihiyo
98. Irridaha ladnaantee
99. Hadda ila ogsoonoow.
100. Allaylehe lammaanii
101. Kal-gacaylka uumee
102. Muxibada aloosee
103. Aayaha xiddigiyee
104. Samir iishay waad tiin.
105. Anigana barbaareey
106. Agagaarka beerkiyo
107. Uurkayga hoosaa
108. Idin soo salaamee
109. Allahidin guulee.
110. Afartaas kas iyo maan
111. Murti oday ka soo qaad
112. Afar kalana xeeshay
113. Anigiyo agaalkay.
114. Inanyahay hubaashii
115. Umal-taahu waa ciil
116. Haaraanku uumee
117. Ogobeey in geedigu
118. Urugiyo dhib badan yahay
119. Marna aaya-tiiniyo
120. Intifaacsi leeyahay.
121. Ugubeey wax-garashada
122. Waa inaad aqoontiyo
123. Iimaanka dhawrtaa
124. Waa inaad asluubtiyo
125. Anshaxaba tix-galisaa
126. Waa inaad amaanada
127. Iyadana adkaysaa
128. Edebtiyo xishoodkana
129. Waa inaad u oontaa
130. Waa inaad afkaagiyo
131. Addinkaaga dhawrtaa
132. Waa inaad itaalkaa
133. Inta badan adeegtaa
134. Waa inaad dadkaagiyo
135. Ehelkaaga soortaa
136. Waa inaad ogaataa
137. Oori iyo inaad tahay
138. Afo iyo masuul qoys.
139. Mar kalana ilwaadeey
140. Iintiisa waligaa
141. Hadba dacal ka awd awd
142. Ifku waa dharaaroo
143. La dul oolli maayoo
144. Iil baa danbeeyee
145. Ajar aad ku mudatide
146. Odaygaaga muunee
147. Ku adeec xilkiisiyo
148. Amarkiisa seynimo.
149. Amraneey daraadaa
150. Badi waad ogsoonayd
151. Aafooyinkii dhacay
152. Iyo eeshii daba-tiil
153. Dhulka oo abaarsaday
154. Inuu ubax is yidhi beer
155. Biyahoo agtiisaa
156. Yeelkee is yidhi oon
157. Axdigiinna oo jira
158. Yeelkee is yidhi ooy!
159. Ammuurtaa is daba tiil
160. Dul istaagi maayee
161. Adigaba garaadkaa
162. Kolley waa ogaalkaa.
163. Adiguna abwaanoow
164. Af-hayaha barbaartoow
165. Hal-adayga noloshoow
166. Hal-abuurka dhaqankoow
167. Marna waaya-aragoow
168. Marley geenyo uguboo
169. Amran oo la yaablaa
170. Alle kuugu deeqoo
171. Adiguu xilkeedii
172. Adhaxdaada saaree
173. Ka ilaali murugada
174. Iyo oonka gudashada.
175. Ha afduubin guushaad
176. U adkaysanaysee
177. Fekerkeeda aashaa
178. Odaynimo ku saameel.
179. Urugada xasuustaa
180. Umal iyo huq curisoo
181. Dadba kala irdhaysee
182. Ha ka oohin mudantaad
183. Inta guudka fidhatiyo
184. Uunkaba dhammaantii
185. Ka dhex eeganaysee
186. Awgayoow si arageed
187. Ajandaha ku meelee,
188. Ibtisaam ku nooloow
189. Mar kastoy adkaatana
190. Alla-bari xusuusnoow.
191. Aqalkuna sal iyo baar
192. Madal aadun joogiyo
193. Faran laga ormeeyiyo
194. Baro lagu asqoobiyo
195. Eebo waran ku taagiyo
196. Aragtida sabooshaa
197. Sabo ay ku ururtiyo
198. Noloshaba ab iyo sees
199. Ikhtiyaar u rogoshiyo
200. Isa-seeg ku muraniyo
201. Dig-dig iyo us maahee
202. Taladiyo is-maqalkaa
203. Unug lagu bineeyaa.!!
204. Waxaan hadal ku daa idhi
205. Addunyadu gun iyo baar
206. Abtirsiina beeshoo
207. Nin aqoon lahaabay
208. Kol abaal u diidaa
209. Nin ayaan hagoogtay
210. Anfacada ka goysaa
211. Omoskiyo dhibkiisay
212. Ku il-waadsanaysaa
213. Ololkiyo dagaalkay
214. Allaheed ka tuugtaa
215. Dhaxan iyo awaaray
216. Aadame u seestaa
217. Iinteeda hoosay
218. Hadba ruux u aastaa
219. Aayaha la sugayay
220. Axdigiisa burisaa
221. Isha macalin noqotay
222. Iyadana inkaartaa
223. Rabbiyow af-garashada
224. Waxan ahay addoonkii
225. Ku adeeci jirayee
226. Awamiirta diintiyo
227. Xaqqa iyo ixsaankaba
228. Oon-beel ka qaadee
229. Aadaabta dhawree
230. Iidaan u yeeshee
231. Aadamaha badhkoodoo
232. Oofin waayay samihii
233. Asaraar ka saaree
234. Ifka baaqyadiisaan
235. Ii ajiib ku leeyee
236. Aqbal yaa Casiisoow.
237. Arradnaanta maankiyo
238. Oof-wareenka diintana
239. Rabbiyow ka oodoo
240. Ubad iyo dhallaan sii
241. Nolol iin ka dheeroo
242. Samo-idil guddoonsii
243. Abris gee halkiisii
244. Laba-eefna dheeree
245. Ha engejin raxmaanoow
246. Ubixii dhex yaallee
247. Ilo-doogsin uga yeel
248. Ogolaanshahaa sii
249. Ifka guul ku noolee
250. Aakhirana fardawsiyo
251. Ilihii maacaanaa…….
252. Aammiin ,……
Abwaan Maxamed Saleebaan Cumar
E-mail, halabuur@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland.
Madax-Dhaqameedka Iyo Wax-Garadka Beesha Bariga
Burco Ah Oo Diidmo Culus Ka Muujiyey Kootada Ay Xukuumaddu Ku Soo
Rogtay Ganacsiga Xoolaha Nool |
“Waxa Naga Go’aan Ah Inaanu Taageero Isla Barbar Taagno Cid Allaale
Ciddii Qiime Kan Dhaama (Qiimaha Al-Jaabiri) Ku Soo Hesha Neefkayaga”
Burco, November 28, 2007 (Haatuf) – Inka badan boqol iyo dheeraad isugu
jira cuqaal, aqoonyahanno, odayaal iyo wax-garad kale oo ka soo jeeda
beesha bariga Burco (H/jeclo) ayaa bayaan shalay saxaafadda soo gaadhay
ka soo saaray magaalada Burco, bayaankaasna waxay kaga hadlayaan
dhibaatooyinka ganacsi iyo duruufaha nololeed ee ka dhashay heshiiskii
ay xukuumadda Somaliland dhowaan la gashay ganacsade Al-jaabiri ee ay
kootada ugu xidhay ganacsiga xoolaha nool, iyaga oo si weyn farta ugu
fiiqay dhibaatooyinka heshiiskaa ka dhashay, isla markaana sheegay
inaanay heshiiska caynkaas ah u dab-ranaanay hadii aanay xukuumaddu wax
ka bedelin cidhiidhiga iyo maamul-xumada ay saartay ganacsiga dalka.
Bayaankaasina isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa siddan:
“Hadii aanu nahay madax-dhaqameedka, odayaasha iyo wax-garadka beesha
bariga Burco (H/jeclo), waxa mudooyinkan dambe noo socday shirar iyo
wada-tashiyo is-daba joog ah oo aanu ka yeelanay duruufaha nololeed iyo
dhibaatooyinka nololeed ee ka dhashay qaabka ay dawladda Somaliland
mudooyinkan dambe u maamushay ganacsiga dalka, gaar ahaan iibka iyo
dhoofka xoolaha nool, ka dib markii ay xukuumaddu heshiis Kooto ah oo
ganacsiga xoolaha ah la gashay nin Carab ah oo magaciisa la yidhaahdo
Al-jaabiri iyo laba nin oo dillaaliin ah oo reer Hargeysa ah, waxaana
noo muuqatay, dadkana si weyn u taabatay dhibaatada iyo tacadiga
nololeed ee ay ka dhashay arintaa, iyadoo ay dawladdu tidhi wixii
xoolaha ah ee u dhoofaya debeddana waxaanu u xidhnay Al-jaabiri, wixii
xoolaha ah ee gudaha dalka laga iibinayana waxaanu u xidhnay laba nin oo
ay xukuumadda isku fiican yihiin, taasina waxay marka hore baal-marsan
tahay xoriyaddii ganacsi ee uu dastuurka dalka u yaal jideeyey. Waxa
kale oo ay arintani adhax-da ka jebisay boqolaal kun oo dan yar ah oo ay
noloshoodu si toos ah iyo si dad-ban-ba ugu xidhnayd neefka xoolaha ah
ee ay dawladdii qiimihiisa ilaalin lahayd, kana shaqayn lahayd sidii kor
loogu qaadi lahaa, dhulka jiid-jiidayso.
Waxa kale oo ay xukuumaddu xuquuqdoodii ganacsi gawracday oo ay cagta
dhabarka ka saartay shirkado waaweyn iyo shakhsiyaad badan oo
muwaadiniin ah oo ka shaqayn jiray ganacsiga iyo dhoofka xoolaha nool,
sidoo kale waxay xukuumaddu xuquuqdoodii ganacsi iyo nololeed gawracday
gobollo iyo degaamo iska dhan oo ka mid ah dalka ay xukuumadda u tahay,
iyadoo ay cidda ugu darran ee ay dhibaatada arintan ka dhalatay
saamaynta ugu xun ku yeelatay ay tahay dadka masaakiinta ah ee
xoola-dhaqatada ah, kuwaas oo aan neefkoodaa iyo had-ba ciddii ka
iibsanaysa mooyee cid iyo ciirsi kale toona lahayn, waxaana nasiib darro
ah in iyadoo ay badeecadaha uu raashinku ka mid yahay ee dunida laga soo
iibsadaa bilihii u dambeeyey uu laban-laab inka badan qiimahoodu kor u
kacay, inaynu hadana qiimaha neefkeenna dhulka la dhacno.
Heshiiska ay xukuumadda Somaliland la gashay ninka Sucuudiyaanka ah ee
Al-jaabiri waxaanu u aragnaa inuu sharciyan xaaraan yahay, sidoo kalena
uu nolosha dadka dan-yarta ee muwaadiniinta ah tacadi ku yahay, iyadoo
uu heshiiskaasi dhigayo in neefka adhiga ah sayladaha ganacsiga lagaga
iibin karo keliya $36-dollar, laakiin qiime intaa aad uga badan ayuu
neefka adhiga ahi ka joogaa suuqyo badan oo dunida ah, tusaale ahaan
meelo badan oo ka mid ah suuqyada dunida ayaa maanta neefkeena Adhiga ah
lagu baayacayaa dhawr iyo konton dollor iyo inka badan, taas oo ah arin
xaqiiq ah, waxaase taa diidan oo hortaagan dawladdeena oo tidhi dekedda
Berbera cid aan Aljaabiri ahayni waxba kama dhoofin karto, qiime
$36-dollar ka badana neefka lagagama iibin karo suuqyada wadanka, sidoo
kale waxay tidhi laba nin oo keliya ayaa Al-jaabiri wax ka iibin kara oo
loo daba-fadhiisanayaa iibka gudaha ee xoolaha nool, taasina waxay
keentay inay Al-jaabiri iyo labadaa nin sida ay doonaan ugu takri falaan
ganacsigii xoolaha, taasna waxaanu u aragnaa nasiib darro weyn, iyadoo
ay ahayd in laga taliyo, lana tix-geliyo danta ummad-weynta iyo nolosha
muwaadiniinta danyarta ah, mase ahayn in loo danneeyo qof ama laba qof,
iyadoo uu waajibka dawladdu ahaa inay suuq-ba suuqa uu ka sareeyo iyo
qiimaha uu ka sareeyo u raadiso xoolaheeda, laakiin ma ahayn inay taa
bedelkeeda ka dhigaan xataa inay kala dagaalamaan qiimihii ay dadka
shisheeyaha ahi inooba ogolaayeen inay wax inagaga iibsadaan iyo
suuqyadii a
Sida aynu ognahay dalka Illaahay inagu beerray ee Somaliland waxa ilaa
taariikh fog oo qarniyo ku simman soo maray maamullo dawladeed oo aad u
kala duwan oo ay qaarkood xoog inagu qabsadeen, waxaana ka mid ahaa
maamulladaa soo maray dalka maamulkii Isticmaarka ee Ingiriis, maamulkii
Milateriga ee Siyaad Barre, maamulkii SNM iyo maamulka maanta jira ee
dawladda uu madaxweynaha ka yahay Daahir Rayaale Kaahin, laakiin maanta
ka hor lama arag cid fara-gelisa neefka xoolaha ah iyo dhaqdhaqaaqiisa
ganacsi, waana wax lala yaabo inay dawladdii u horaysay ee ay dadku
doorteen ku talaabsato wixii ay ka xishoodeen dawladihii xoogga inagu
qabsaday ee Isticmaarka iyo Tii milateriga ahaa.
Ta kale dhibaatada ganacsi xoolaha nool oo keliya ma haysatee waxay guud
ahaan haysataa ganacsiga dalka oo dhan, tusaale ahaan badeecadaha ay ka
mid yihiin bagaashka iyo qaar kaleba waxay ka soo degaan dekeddo ay ka
mid yihiin dekedda Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland iyo meelo
kale, waxayna taasi dhacday ka dib markii ay dawladdu cidhiidhi saartay
ama ay maamul-xumaysay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalka, waxaana ka mid ah
waxyaalaha la yaabka leh ee jira inuu bagaashka Boosaaso ka soo degaa
magaalada Burco iyo barigeedaba uga yimaaddo dhinaca Tog-wajaale, ka dib
markii la xidhay ama cidhiidhi la saaray wadooyinkii uu ganacsigu uga
soo geli lahaa Burco iyo gobollada kale ee bariga Somaliland.
Maamul-xumada iyo cidhiidhiga ay dawladdu saartay dhaqdhaqaaqa ganacsiga
dalka waxyaalaha ay sababtay waxa ka mid ah inay dekeddii Berbera ee
sannado yar ka hor ahayd dekedda ugu camirran manqadda bariga Afrika ay
maanta indhaha isku qabsato, ka dib markii uu ganacsigii inta badan
meelo kale ugu wareegay, iyadoo maanta la ogyahay in degaamo badan oo
dalka ka mid ah, gaar ahaan Burco iyo wixii bari ka sii xiga uu
ganacsigoodu ku xidhan yahay dekedda Boosaaso oo boqolaal kilomitir
jirta.
Sidaa darteed markii aanu aad u lafa-guray, una
derisnay dhibaatooyin ganacsi iyo duruufaha nololeed ee ka dhashay
heshiiskii Kootada ahaa ee ay xukuumaddu ugu danaysay ninka
Sucuudiyaanka ah iyo labada nin reer Hargeysa, waxaanu ku baaqaynaa
arimo ay ka mid yihiin:Inaan lagu dhaqmin, laguna dhaqmi doonin waxkasta
oo baalmarsan ama ka soo horjeeda dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka
u yaal, waayo heshiiska Kootada ah ee ay xukuumaddu la gashay Al-jaabiri
gebi ahaanba wuu ka soo horjeedaa dastuurka dalka u yaal oo dhigaya inuu
ganacsigu xor yahay, sidoo kalena dastuurka dalka u yaal wuxuu dhigayaa
in heshiisyada caynkaas oo kale ah la horgeeyo baarlamaanka si ay u
xallaaleeyaan hadii ay ummadda dani ugu jirto, hadii kalena u
horjoogsadaan, taasina may dhicin.
Waxa kale oo aanu ku baaqaynaa, nagana go’an in cid allaale cidii qiime
dheeraad ah ama qiime cuntamaya oo kan dhaama ku iibsanaysa neefka
xoolaha ah ama suuqyada debedda kaga soo hesha la taageero, hiil-na la
isla barbar taago maadaama ay danta ummadda danyarta ahi sidaa ku jirto,
isla markaana cidii ka hortimaadda nolosha iyo danta ummadda waxaanu u
aragnaa gardarro iyo tacaddi aan geed-ba loogu soo gabban iyo in naloo
badheedhsan yahay in nala baabi’iyo, waana xaq-darro, xaq-darrona
illaahayna ma ogola, anaguna ma ogolin.
Waxa kale oo aanu u aragnaa inuu muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu ka
ganacsado meel kasta oo dalkan ka mid ah, isla markaana uu deked kasta
oo dalkan ka mid ah waxna ka dhoofsan karo, waxna kala soo degi karo.
Ta kale waxa noo muuqata inay xukuumaddu degaamada qaarkood ama dadka
qaarkood ay danaynayso, kana shaqaynayso sidii ay u kobcin lahayd
dhaqaalahooda iyo noloshooda, halka ay dadka qaar iyo degaamada qaarna
kala dagaalamayso xarakaadka dhaqaalaha, camir-naanta iyo kobcinta
nolosha dadka, mar hadii ay sidaa tahayna waxaanu u arkaynaa inaanay wax
dan ah noogu maqnayn, sidaa darteed waa inaanaan cidna marti uga noqon
wixii aanu u aragno danahayaga iyo maslaxadayada, iyadoo aanu si gaar ah
hoosta uga xariiqayno, uguna baaqayno xukuumaddu inay ka noqoto
talaabada cuna-qabataynta ah ee ay ku soo rogtay ganacsiga xoolaha nool
iyo heshiiska ay kootada ugu xidhay Aljaabiri ee aan sharciga
waafaqsanayn.
Ugu dambayn waxaanu xukuumadda Somaliland, Baarlamaanka, Asxaabta
qaranka, Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka kale ee reer Somaliland ugu
baaqaynaa inay garawsadaan in sharciga oo la baalmaro, xaqsoor la’aanta,
adeeg la’aanta bulshada iyo danta ummad-weynta oo laga door-bido danta
gaarka ah ay arimahaas iyo wixii la mid ahi ay yihiin waxyaalaha u
adeegaya burburka iyo nabad-gelyo darrada.
Waxa kale oo aanu xukuumadda Somaliland ugu baaqaynaa inay wax ka qabato
adeeg-xumadda iyo dayaca daashaday gobollada bariga, sida wax-barashada,
caafimaadka, biyaha, dib-udhiska, shaqo la’aanta IWM, iyadoo la ogyahay
dib dhaca weyn ee ka jira gobollada bari” ayey ku soo xidheen
hadalkooda, waxayna kala yihiin madax-dhaqameedka, aqoonyahanka iyo
odayaasha bayaanka soo saaray.
1- Chief Caaqil Maxamed Dhuuxyare
2- Chief caaqil Ibraahin Ismaaciil Dhuuhe
3- Chief caaqil Siciid Warsame Yuusuf
4- Chief caaqil Maxamud Xasan Cismaan
5- Chief caaqil Jaamac Ismaaciil Cawed
6- Chief caaqil Cali Buraale Maxamed
7- Chief caaqil Ismaaciil Xirsi Buur
8- Chief caaqil Salaad Yuusuf Qodax
9- Chief caaqil Ismaaciil Axmed Gaas
10- Chief Caaqil Jaamac Faarax Warsame
11- Chief caaqil Maxamed Kaarshe Faarax
12- Chief caaqil C/laahi X. Siciid Yuusuf
13- Chief caaqil Cali Aadan Af-warranle
14- Chief caaqil Jaamac Diiriye Guuleed
15- Caaqil Yaasiin Axmed Yool
16- Caaqil Faarax Diiriye Caateeye
17- Chief Caaqil Ibraahin Maxamed Shaybe
18- Caaqil Warsame Cali Abokor
19- Caaqil Maxamud Cumar Buuni
20- Caaqil Xaamud Diiriye Qodax
21- Caaqil Jaamac Cabdi Maxamed
22- Caaqil Baashe Gurayare
23- Caaqil Jaamac Ducaale Cali
24- Chief caaqil Jaamac Bulaale Qodax
25- Caaqil Muuse Ciise
26- Caaqil Cumar Xasan
27- Caaqil Axmed Cali Cigaal
28- Caaqil Cawil Carraale
29- Caaqil Ismaaciil Xaaji Cabdi
30- Caaqil Aadan Abokor Cali
31- Axmed Cali Shookarre
32- Xariir Haybe Gaagaale
33- Cabdi Cismaan Cabdulle
34- Maxamud Maxamed Jaamac (gaadhi-jiid)
35- Cumar Gaas Warsame
36- Mijir Qaadi Maxamud
37- Abokor Cabdi
38- Abokor Cumar Aadan
39- Maxamud Axmed Cali
40- Jamaal Maxamed Warsame
41- Maxamed Cabdi Hallac
42- Salaad Jaamac Diiriye
43- Ibraahin Ducaale Boos
44- Khaliif Maxamed Warsame
45- Jaamac Axmed Xasan
46- Xanaan Axmed Xasan
47- Daahir C/laahi Askar
48- Cabdi C/laahi
49- Maxamed Saleebaan Jaamac
50- C/laahi Cali
51- Yaasiin Maxamud Jaamac
52- Xil. Maxamed Cawaale Axmed
53- C/laahi Aadan Yuusuf
54- C/laahi Yuusuf Cartan
55- Seyid C/laahi X. Cabdi
56- Yaasiin Jaamac Galayd
57- Cismaan Diiriye Ducaale
58- C/laahi Cali Boqorre
59- Cawil Samatar Abokor
60- Maxamud Ducaale Cartan
61- Guleed Suldaan Cali
62- Siciid Jaamac Bootaan
63- Cabdi Cilmi Ducaale
64- Maxamed Maxamud Axmed
65- Maxamed Siciid Bootaan
66- Maxamed Ibraahin Jaamac
67- Xaashi Xuseen Xasan
68- Axmed Muuse Jaamac
69- C/laahi Maxamed Shire
70- Xasan C/laahi Cali
71- Cabdi Maxamud Samatar
72- Maxamed Saleebaan Warsame
73- Yuusuf Cumar Cismaan
74- Maxamed Shire Faarax
75- Cabdi Cali Xirsi
76- Mubaarik Jaamac Diiriye
77- Cabdi Caydiid Nuur
78- Axmed Cismaan Mahdi
79- C/risaaq Maxamed Yuusuf
80- Rashiid Faarax Cabdi
81- Saleebaan Cabdi Cali
82- Daroor Cali Cawed
83- Yaasiin Cali Cawed
84- Cismaan Xirsi Jaamac
85- Saleebaan Jaamac Cali
86- Yuusuf Ismaaciil Axmed
87- Saleebaan Daahir Axmed
88- Carab Cali Mire
89- Cali Maxamed C/laahi
90- Maxamed Axmed Maxamud
91- Mustafe Maxamed Xuseen
92- Siciid Jaamac Faarax
93- Jaamac Cabdi C/laahi
94- C/samed Maxamed C/laahi
95- Cawil Xirsi Shire
96- Faarax Shire Guutaale
97- Cabdi Khayre Ducaale
98- Maxamed Ducaale Carraale
99- Nuur Jaamac Faarax
100- X. Jaamac X. Maxamud
101- Ducaale Ibraahin
102- Maxamed Faarax Xirsi
103- C/laahi Geelle Ducaale
104- Cawil Ibraahin Yuusuf
105- Axmed X. Maxamed
106- Dubbad Maxamud Jaamac
107- Chief caaqil Faarax Cumar Cali
Top
ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Wadaad Iyo Waranle, Xaawa Waa La Wada Col |
Wadaad iyo waranle, Xaawa waa la wada col. Si isku mid ah, ayay u dilaan.
Si isku mid ah, ayay u gumeystaan. Si isku mid ah, ayay u xaqiraan. Si
isku mid ah, ayay u eryadaan. Si isku mid ah, ayay u adoonsadaan. Si
isku mid ah, ayay ula dhaqmaan. Si isku mid ah, ayay u quudhsadaan. Si
isku mid ah, ayay u cabudhiyaan. Si isku mid ah, ayay uga danaystaan. Si
isku mid ah, ayay u ugaadhsadaan. Si isku mid ah, ayay ugu shaqaystaan.
Waxa kaliya ee ay ku kala duwanyihiin, tabaha iyo xeeladaha ay
isticmaalaan. Waa mid hal mar qudha ka jara, iyo mid si tartiib-tartiib
ah, nafta uga qaada. Labada midna naf uma ogola Xaawa.
Wadaadku qiil aan jirin ayuu Xaawa ku xidhaa. Waranluhu birta ayuu la
boobaa. Xaawa cid u doodda ma laha. Qareen u hadla ma laha. Dad
dhageysta ma laha. Cid u garawda ma haysato. Raggu waa iskugu mid. Waa u
wada cadaw. Hadda iyada ayaa uurka ku wada qaaday. Iyada ayaa wallac
daraadii, cuntada uga soontay. Iyada ayaa xanuunkii foosha, la soo wada
martay. Iyada ayaa dhaawacii umusha, la soo wada martay. Iyada ayaa umul
raacday. Iyada ayaa naaska soo wada siisay. Iyada ayay dhabarkeeda iyo
dhabteeda beytalmey ka soo wada dhigteen. Ku soo dul saxaroodeen. Ku soo
dul kaadsheen. Ku soo dul matageen. Oo aany marna ax odhan. Uf odhan.
Iyada ayaa soo wada barbaarisay. U soo wada heestay. Soo wada
kool-koolisey. Rag ka soo wada saartay. Fariiddo usoo wada bixisay.
Geesi ka wada dhigtay.
Qabiil tiro badan ha ka dhalato. Qabiil tiro yar, ha ka dhalato.. Mid
gob sheegta, ha ka dhalato. Mid gun lagu sheego, ha ka dhalato. Muslin
ha ahaato. Gaal ha ahaato. Qaaradda ay doonto ha u dhalato. Waa tii la
fara xumeeyo. La kufsado. La cadaadiyo. Marba sida la jecelyahay loola
dhaqmo. La shido. La bakhtiiyo. Aqalka ay ku nooshahay, nabad kuma hesho.
Waddada ay marayso, kuma nabadgasho. Fasalka ay wax ku baranayso, kuma
badbaaddo. Meel kasta oo ay joogtaba, dugaag ayay la nooshahay. Haddii
ay aamusto u daran. Haddii ay hadasho feedh iyo laad ayaa leh. Talo lama
weydiiyo, haddii ay ku darsatana afka ayaa laga jogeeyaa. Caqli looma
quudho. Aqoon lalama rabo. Muruq ayaa lagu muquuniyaa.
Mid ka naxsada. Mid qool ku xidha. Mid magac diineed ku xakameeya. Mid
qasab kaga danaysta. Mid u xoog sheegta. Mid qalbiga ka dila. Mid
muraayadda ka jabiya. Mid gol-jilicda ka qaniina. Mid dalaaq ugu hanjaba.
Mid maalinta ay jilicsan tahay ku joogsada. Mid halka ay u jilicsantahay
cagta ka saara. Mid luqunta iskaga taaga. Mid shilinka ku gumaysta. Mid
mansabka ku ugaadhsada. Mid imtixaanka ugu hanjaba. Mid u xoog sheegta.
Raggu nadiif kama aha dulmiga Xaawa.
Gabadh da’deeda kuma xeeriyaan. Kagama xishoodaan. Kuma ixtiraamaan.
Kagama leexdaan. Marwo, kama baxsato. Ta asayda sidda, kama leexdaan. Ta
uurka leh, kama naxaan. Ragga maanta joogaa run ahaantii xayawaanka ma
caqli dhaamaan. Sheekh ma laha. Shariif mal aha. Waayeel ma laha.
Mas’uul ma laha. Xaaji ma laha. Ninba in uu ka daaqaba, dilmada Xaawa
way ka simanyihiin.
Waxa la odhan jirey macalinku waa aabaha labaad. Waxa aan maqlay nin
macalin ah oo gabadhii yarayd ee uu wax barayay, surunta isku taagey.
Maya ayay tidhi. Subaxdii ayuu dugsigii ka soo eryey. Sabab markii la
yidhina, waxa uu ku jawaabey, “Fasalka dhexdiisa ayay iigu sanqatay.”
Aabaheed ayaa ul ugu daray. Runta ayay sheegi kari weydey. Usha ayay
door biday. In ay dhaawaceeda qarsato, ayay ka dooratay.
Runta ha lagu wada hado. Xaqa daboolka ha laga qaado. Qudhunka raggu
qarsanayo, daaha ha laga qaado. Ha laga doodo. Ol-olaha ha la joogteeyo.
Faadumo Cabdillahi
Waxaa dalkii ka samaysmay guulwadayaashii afweyne qaar la mid ah oo
subaxii la toosaba arsaaqadoodii noqotay hunguri ah guulwadayn iyo
afmiinshaaranimo inay ugu soo kalahaan xafiiska madaxtooyada ee Hargeysa
.Guulwadayaashaasi waxay isugu jiraan shacab iyo madax dawladeedba oo
amaanta mr Riyaale Kaahin ugu celceliya inay ku helaan boos cilin ama si
aan mansabka xukuumeed looga qaadin, qaarna waxay u guulwadeeyaan waa
mijin yar oo qaad ah oo maalintaas aan dhaafsiisnayn iyo qaar kale oo
shakhsiyaad markoodi horeba jilayc RABBAANI ah iska ahaa abuurta EEBBE
ee dabiicigiina sidaasi ay ka dhigtay. Guulwadayaashaasi baqasho iyo
bash bashlayn fara badan darteed halkii laga rabay inay keenaan kuna
biiriyaan talo iyo tusaalayn siyaasad ah oo madaxweynaha iyo
xukuumadiisa wax u tara waxay noqotay hadaba in qaar madaxda Riyaale ka
tirsani ay uguba yeedhaan mr Riyaale Kaahin inuu ahaa mujaahid dalkan u
soo halgamay iyo qaar kale oo wasiiro ah oo ku amaana inuu mr Riyaale
yahay shakhsi madaxnimadiisu ay dawo u tahay beelaha waaweyn ee reer
Somaliland si ay u kala badbaadaan! Waxaa jira iyaguna qaar kale oo ku
shaqaysta afmiinshaarnimo maalinle ah ama yoomiye oo maalinba cidii wax
gashata uun u xiiqa sida telefonka mobile ka ah ee marba lacagta lagu
shubto.
Jamhuuriyada Somaliland waxay dalkii la isku odhan jiray Somalia ugala
noqotay dawladnimadeedii markii lagula kacay inta ay cadaalad xumo kow
ka ahayd lana cabudhiyay iyada oo qabiil la adaeegsanayay. Ururkii xaq u
dirirka ahaa ee SNM waxay ka damqadeen oo ku kalifay inay mabda' iyan ka
dagaalamaan waxaa kow ka ahayd cadaalad xumo iyo iska reeb afmiinshaar
guulwadaynayay maalmahaasba. Waxaanu geesiyaashaydii ay ka mid ahaayeen
muj Lixle , muj Xasan Saleebaan , muj Axmed dhagax , muj Koosaar , muj
Adan Saleebaan , muj Adan Shiine iyo kumanaan kale oo mujaahidiin ahaa
oo dalkan u soo shahiiday ( RABBI naxaiistiisa Janat al Fardowsa ha ka
waraabiyee ) u waynay in muwaadin kasta oo reer Somaliland ihiiba xaq
iyo cadaalad loo wada siman yahay dalkiisa ku helo xaq daradana dalka
laga cidhibtiro, umada oo dhanna laga xoreeyo dulmigii iyo cadaalad
xumadii lagu hayay. Wixii ku dhacay shacab ka mid ah reer Somaliland
sideetanaadkii dib ugu noqon noqon maayo waa taariikh jirta oo aan cidi
guurin karin, waxaase ka dambaysay markii SNM dalka ka xoraysay xukunkii
afweyne iyo afmiinshaaradiisii basaasiinta u haa in shir beeleed reer
Somaliland u wada dhamaa lagu gudoonsaday heshiis ahaa walaalnimo, is
cafin, nabadgaliyo lagu wada noolaado iyo in dawlad cadaalad iyo
dimuqraadiyad ku dhisan dalka loo dhiso.
Jamhuuriyada Somaliland waxay ku timid dhiig aad u fara badan oo u
daatay, wiil madi reer u ahaa kalina ka ahaa oo cid lagu labeeyaba aan
lahayn inuu xoryadan Somaliland u shahiiday. Waxaa jiritaankan
Somaliland ku yimi lix ama shan wada walaalo ahaa oo dalkan u wada
shahiiday hooyo iyo aabbana u goblameen. Waxa jiritaanka Somaliland ku
yimi kumannaan muwaadinniin ah oo si badheedh ahaa loo xasuuqay iyo
kumannaan silic, darxumo iyo xanuun cidla ugu dhintay, oo qaar xabaal
wadareedkoodii daadku soo qoday marag laga wada ahaa magaalada Hargeysa,
qaarna illa maantadan aynu joogno aqaladii ku dumay aan wali laga soo
fiqin. Somaliland waxay ku timid malaayiin $ oo lacag iyo hantiba ahaa
oo loo badheedhay ka dhaqaaqideeda iyo khasaaraheeda in lagu helo nolol
cisi iyo sharaf leh, nabadgalyo leh, xoriyad dimuqraadiyad leh iyo xukun
iyo xukuumad cadaalad ku shaqeeya intaba in umadeenu ku wada noolaadaan,
haduu u dhashay reer Burco, reer Berbera, reer Borame, reer Gabiley,
reer Ceergaabo, reer Laas caanood iyo reer Hargeysaba mid kastaba ha
noqdee. Somaliland waxay ku timid sharci iyo distoor lagu wada heshiiyay
inuu ina kala hago kalana xakameeyo madaxweyne illa qofka shicibka ah ee
reer Somaliland. Distoor iyo heshiis ku dhisan dimuqraadiyad, cadaalad ,
xuriyat al qawl aan qofna siyaasiyan loo cabudhin karin shicib iyo
saxaafad toona. Somaliland waxay ku timid inaanayba dhicin maant oo kale
in siyaasiyiin ka mid ah kuwii dalkan u soo halgamay sida muj Dr Maxamed
C. Gaboose,muj Maxamed Xashi Cilmi iyo muj Jamaal Caydiid Ibraahim oo
kale inaan siyaasad loo xidhi karin. Filim iyo sheeko khayaal ah kama
sheekaynayo ee waa xaqaa' iq jira oo caado u noqotay xukumada
digtaatooriga ah ee Riyaale inay cimri dherar ka sii dhigataan maalin
walba.
Mr Dahir Riyaale Kaahin iyo qof kasta oo EBBE abuurtay tariikh aanu hore
u samaysan heli maayo, run ahaantii waa xaaraan in lagu sheega mujaahid
qof aan isugu ahayn. Riyaale taariikhdiisa in la sheega wanaag iyo mad
madowba waa wax jira mar walba ! Mr Riyaale wuxuu ka tirsanan jiray
xukunkii burburay ee Siyaad Barre oo waliba uu ka ahaan jiray gaashaanle
sare oo NSS ah, wuxuu taliye ka soo noqday magaalada Berbera intaan war
ka maqlay. Waxaa jira madax badan oo xukuumada mr Riyaale ka tirsan oo
wasiiro leh, ahaanna jiray taliyaal NSS ah sida madaxweynaha oo kale.
NSS tu wakhtigaas dalka waxay ka ahaayeen ciidamadii qarsoodiga ahaa ee
laga biqi jiray xukunkii Siyaad Bare oo kumanaan muwaadiniin ah u
xidhxidhay siyaasad qaarkoodna jeelasha ku cadibi jiray qaarkoodna laba
waayay raq iyo ruux midnaba oo la laayay. NSS iyo SNM horta waa la kala
yaqaanay xiligaas magac ahaan iyo macno ahaanba, waana laba kala duwan
hadaynnaan is yeel yeelayn ! Guulwadayaasha hadaba mr Riyaale baryahan
dambe ku raali galinaya inuu ahaa mujaahid waxaan idin leeyahay mr
Riyale waa madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland ee markii horena
distoorku keenay markii dambana shacabku madaxweyne u soo doortay,
madaxweynuhuna taariikh aan jirin isagaa laftiisa baan raali ka ahayn in
lagu tilmaamo halgan aanu ka soo mid noqon , waxaa se ceeb ah in
madaxweynaha been cad oo aan jirin taariikhdiisa loogu qurxiyo oo ay ka
sheegaan amaba ku sheegaan mujaahid. Sida xaqiidu tahayna mujaahidnimadu
waa geesinimo, halyaynimo taariikh ahaan muwaadinku soo shaqaystay.
Muwaadinimaduna waa u dhalasho inkasta oo muwaadiniin amaan mudaniba
jiraan, Siin iyo saad oo kala soocnaa yaan la isku qaldin!
Somaliland maanta waxaa la soo gaadhay hadaba wakhti umadii ka daashay
beentii, musuqmaasiqii, cadaalad xumadii cabudhintii iyo ku tumashadii
awoodihii xukuumada oo si qaldan loogu shaqaysanayo. Waxa maanta la soo
gaadhay xili aan loo ogalaanayn in dib loogu noqodo maalmihii madoobaa
ee xukun xumadi Siyaad Bare ee loo soo wada joogay ee ku can baxay
cabudhinta, afmiinshaar iyo guulwadyaashuna ay hoos dhus dhus layn
jireen. Mr Riyaalow umadani haba yaraatee wax dambi ah kaamay galin,
adigu se dambi baad ka gashay markii hore iyo markan aad dalkan madaxda
ka noqotayba. Umadani waa umadii codkooda si dimuqraadiya kugu siisay
kuna cafiyay inaad xukunkii afweyne taariikh ku lahayd. Dadku waa dadkii
dalkan Siyaad Bare ka xoraystay. Dadku wa dadkii adiga iyo madaxda kale
ee NSS ta ahaaba idin ilaaway iskana kiin cafiyay in la idinla
xisaabtamo. Waar la 'aan baa hadaba col hoday baa la yidhi, cid kaleba
daayo bisada yar ee aan wali korin haduu qof is yidhaa koone ku xidho oo
yaanay ka bixin ama ku dhaafinba ogow qaniinyadeeda iyo xagtinteeda kama
badbaadi karo. Afmiinsharka iyo guul waduhu yaanay khayaal iyo khalkhal
kugu hodin madaxweynow ee runta iyo xaqiiqda ku hor taala ku xisaabtan,
cadaalad xumo kasta oo aad adiga iyo xukuumadaadu samayseen ogow waa mid
taariikhda idiin gashay, dalkuna waa dalkii dadkuna waa dadkii oo bahal
iga da' waynoo dad cuni ma joogo ! Madaxda urur siyaasadeedka Qaran ee
xaqdarada u xidhan waxay dambi ku tahay cidii xaqdaran u xidhatay waana
lagala xisaabtami doono, xaqu mar uun buu iman xaqoodana way heli oo
xaqaa u hiilin hadii EBBE xukmo adigu se geesinimo samee oo xoriyadooda
sii madaxweyne. Xukuumadaadu haday cadaalad xumada, cabudhinta, xukun ku
tumashada iyo dulmiga aad is tusteen inay idiinku badiso ku sii socotana
ogaada cadaalad xumadu waxay wadata nabad xumada waa laba isku lammaan,
Muwadin kastaaba sharaftiisa ayuu huwan yahay qofna xaqiisa qof uga tagi
maayo si sharci daro ah ee bal xukuumadeey yanay qaladaadkiinu noqon
kuwii idiin soo yareeya wakhtigana idiin soo gaabiya !
Maxamud Lafcanbe
Toronto, Canada
Top
Top
Top
Top
Top
Top
Top
|