|
Madaxweyne Rayaale Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Maanta
Socdaal Ugu Baxaya Dalalka Britain Iyo Maraykanka
Maamulka Waxbarashada Gobolka Awdal Oo
Sheegay Inay Waalidiinta Ardaydu Ka Jawaabeen Codsi Qaadhaan Loogu
Ururinayay Dugsiga Sh. Cali Jawhar
Shirkadda Dawladda Imbagathi
Baasaaboorada U Samaysay Oo Joojisay Inay Dib Ugu Soo Daabacdo
SALUUGLA
Amiiro Carbeed Oo Raxan Gelaydho Ah
Iyo Gawaadhida Dheeraysa Ku Ugaadhsanaya Duur-Joogta Xeebaha Gobolka Saaxil
Fariinta Sannadka Cusub Ee Gudoomiyaha
Urur-siyaasadeedka QARAN
Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga UDUB Ee
G/Awdal Oo Ku Baaqay Inaan Itaalyarida Dhaqaale Iyo Ictiraaf La'aanta
Caalamka Ka Timi Xukuumadda Rayaale Lagu Eedeyn
Axmed Washington Maxaa Dalka Looga
Saaray?
Shacabka Somaliland Wuxu U Haraaddan
Yahay Aqoonsiga Beesha Caalamka
“Waxaanu Ku Heshiinay Sidii Maamulkan
Rayaale Loo Bedeli Lahaa Qarankana Loo Badbaadin Lahaa, Cabsina Kama Qabno
Hadii Ururkoodu ….”
Ku-Simaha Gudoomiyaha KULMIYE Eng. Iskeerse
“Nimanka Uu Hogaaminayo Rayaale Ee
Soo Duuley Laga Aqbali Maayo Inay Kala Gooyaan Dad Soomaali Ah, Xoogna Ku
Qabsadaan”
C/laahi Yuusuf – Madaxweynaha Dawlada Imbagaati
Dhimashada Qalalaasaha Kenya Oo
Gaadhay 251 Qof
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xeerkan Cusubi
Wax Ma Ka Beddeli Doonaa Musuq-Maasuqa Ay Xukuumadda Rayaale Faraha Kula
Jirto?
Aqoonyahannada Somaliland Iyo Goorta
Ay Ka Qaybgeli Karaan Horumarinta Dalka
Axmed Iid Aadan, Hargeysa
|
|
| Madaxweyne Rayaale Iyo Wefti Uu
Hoggaaminayo Maanta Socdaal Ugu Baxaya Dalalka Britain Iyo
Maraykanka |
Hargeysa, January 2, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir
Rayaale Kaahin iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa maanta inay
dalka ka dhoofaan, iyagoo ku sii jeeda caasimadda dalka Itoobiya ee
Addis Ababa, halkaas oo ay uga sii gudbi doonaan dalalka Britain iyo
Maraykanka oo ay weftigu booqasho ku tegi doonaan.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo la
xidhiidha ujeedada socdaalka weftiga Madaxweynaha, hase yeeshee siday
warar xog-ogaal ahi u sheegeen Haatuf, Masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha
Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa casuumad rasmi ah u fidiyay weftiga
Madaxweyne Rayaale inay booqasho ku tagaan halkaas, waxaana ujeedada
masuuliyiinta Somaliland loogu yeedhay lagu sheegay inay dawladda
Maraykanku doonayso inay kala hadasho masuuliyiinta Somaliland xidhiidh
labada dhinac (Somaliland iyo Maraykanka) dhexmara, iyadoo si gaar ah
wararku u tibaaxeen in dawladda Maraykanku ay kala hadli doonto weftiga
Madaxweyne Rayaale sidii saldhig Milateri looga siin lahaa magaalada
Berbera.
Dawladda Maraykanka ayaa bilihii ugu dambeeyay la sheegay inay
danaynayso sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa, waxaana warbaahinta
dalkaas lagu baahiyay warbixino sheegaya inay wasaaradda Difaaca ee
Maraykanku soo jeedisay in dawladda Maraykanku aqoonsato Somaliland,
halka wasaaradda Arrimaha dibaddu ay arrintaas shuruud uga dhigtay inay
marka hore ka timaado Midowga Afrika iyo wadamada Afrika.
Warar kale oo laga dhinaca siyaasiyiin ku dhowdhow dawladda Maraykanka,
ayaa tibaaxay in haatan mawqifka labadaas wasaaradood iyo guud ahaan
dawladda Maraykankuba isku raacsan yihiin in aqoonsi la siiyo Somaliland
iyadoo aan lagu xidhayn wax shuruudo ah, balse arrintaas laga doonayo
inay Masuuliyiinta Somaliland ka timaado oo ay ogolaanshaha Saldhig
Maraykanka laga siiyo Berbera shuruud uga dhigaan in ay dawladda
Maraykanku marka hore aqoonsiga Somaliland ku dhawaaqdo.
Weftiga Madaxweyne Rayaale oo la sheegay inay ka mid noqonayaan
Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Caafimaadka, Cabdillaahi Maxamed Ducaale
iyo Cabdi Haybe, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Axmed Xaashi Cabdi iyo
Xoghaynta gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa ka hor inta aanay tegin dalka
maraykanka waxay socdaalkooda ka bilaabi doonaan dalka Britain, hase
yeeshee ma jiraan wax tafaasiil ah oo la xidhiidha booqasha weftigu ku
marayo Britain inay tahay mid rasmi ah iyo cidda ay kala kulmi doonaan
masuuliyiinta dalkaas toona.
Madaxweyne Rayaale ayay booqashadiisan Maraykanku noqon doontaa tii ugu
horeysay ee uu ku tago dalka Maraykanka tan iyo intii uu xilka
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba ka soo qabtay Somaliland, waana tii ugu
horeysay ee uu sannadkan bilowga ah dalka dibadda ugaga baxo, waxaanay
booqashadani ku soo beegantay xilli ay wadamada iyo shakhsiyaadka
daneeya arrimaha Somaliland xukuumadda Madaxweyne Rayaale dhaliilo iyo
cambaareyno ugu soo jeediyeen tallaabooyin ay qaaday oo ka dhan ah
xuquuqda aadamaha, sida cabudhinta iyo xadhigga suxufiyiinta saxaafadda
madaxa banaan, xadhiggii siyaasiyiinta ururka QARAN iyo xoog kula
wareegidii hay’addii xuquuqda aadamaha ee Shuro-Net.
| Maamulka
Waxbarashada Gobolka Awdal Oo Sheegay Inay Waalidiinta Ardaydu Ka
Jawaabeen Codsi Qaadhaan Loogu Ururinayay Dugsiga Sh. Cali Jawhar |
Boorama, January 2, 2008 (Haatuf) – Guddoomiye ku-xigeenka
Waxbarashada Gobolka Awdal C/laahi Saleebaan, ayaa sheegay in dadweynaha
iyo gaar ahaan waalidiinta ardaydu si wanaagsan uga jawaabeen codsi ay
ku doonayaan qaadhaan loo ururinayey dhismaha deyrka dugsiga Sare ee Sh.
Cali Jawhar ee magaaladan Boorama.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, Guddoomiye ku-xigeenka waxbarashada gobolka Awdal oo arrintan
kaga hadlayey munaasabad guddi loo xilsaaray dhismaha deyrka Dugsigaasi
ku wareejinayeen lacag ka badan 36 milyan oo Shilin Somaliland ah, taas
oo ay bixiyeen waalidiinta ardayda dhigata dugsiyada Boorama badankooda,
marka laga reebo waalidiinta ilaa lix dugsi oo u badan kuwa gaarka loo
leeyahay.
Munaasabaddan oo dorraad lagu qabtay xarunta waxbarashada goboklka Awdal
ayaa waxa kale oo ka hadlay Maamulaha dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar
Xaamud Ibraahim oo isagoo maamuluhu tafaasiil ka bixiyey sida ay
waalaidiinta dugsiyadaasi ugu kala horreyeen ka jawaabidda codsiga
guddiga loo xilsaaray qaadhaan ururinta dhismaha deyrka, kuwaas oo ay
ugu horreeyeen Dugsiga h/dhexe ee Ibraahim Axmed Good, uuna ku xigay
dugsiga hoos/dhexe ee Sh. C/raxmaan.
Ugu dambayntiina waxa halkaasi ka hadlay xubin ka tirsan guddiga
qaadhaan ururinta oo sheegay in guud ahaa codsigaasi uu ahaa mid ay
waalidiintu 50% kaga jawaabeen codsiyadoodii, inta hadhay
waalidiintaasina ay ku ballanqaadeen inay bixin doonaan qaadhaankaasi.
Diiriye waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin cid si toos ah diidday
qaadhaan bixintaaasi, balse duruufo jira awgeed ay dalbadeen in dib
loogu dhigo wakhtiga ay bixinayaan.
Dhismaha deyrka dugsiga Sh. Cali Jawhar oo in badan uu muran ku saabsan
dhulka uu ku fadhiyo aakhirataankii sababay in dawladdu xoog kaga didiso
dad iyagu agagaarka dhismaha deyrkaasi ku sheeganayey jagooyin iyo
dhismayaal kaleba.
| Shirkadda
Dawladda Imbagathi Baasaaboorada U Samaysay Oo Joojisay Inay Dib Ugu
Soo Daabacdo |
Dubai January 2, 2008 (Haatuf) - Shirkadda Baasaaboorka u
samaysay dawlada Imbagaati ayaa la sheegay inay joojisay samaynta
baasabooro kale tan iyo inta ay dawlada Imbagaati iska bixinayso
kharashkii hore loogu sameeyey Baasborka cusub ee xukuumada Imbagaati.
Sida ay sheegeen warar xog-ogaal ah oo ku dhowdhow dawlada Imbagaati in
dadkii sugayay Baasboorada ee lacagta laga qaaday ay la’yihiin
baasbooradii, muddo ka badan 40 cishana ay sugayeen dadkaasi.
Shirkaddan samaysay Baasboorada dawlada Imbagaati oo fadhigeedu yahay
dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa hore heshiiska samaynta
Baasaaboorada cusub ula galay xukuumadii uu madaxda ka ahaa ra’iisal
wasaarihii hore ee xilka laga eryey Cali Maxamed Geedi, waxaanay wararku
intaas ku darayaan inay shirkadani joojisay samaynta Baasbooro kale,
kadib markii lacagtii hore ay laba farood dhexdooda ka baxday.
Baasboorkan cusub ee Imbagaati ayaa ah mid aanay xukuumadaasi isku
raacsanayn samayntiisa, isla markaana aan la ogeyn heshiiska lala galay
shirkadan, waxaana baarlamaanku marar badan ka codsaday xukuumada
Imbagaati in sharciga baasboorka cusub horkeento, hase ahaatee codsigaas
xukuumadu way ka warwareegtay in badan. Baasboorkan cusub
ayay dawlada Sucuudigu diiday in dalkeeda lagu soo galo moosinkii Xajka
ee dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay.
Abwaan: Cali Xasan Adan (BANFAS)
Maansadan oo magaceedu yahay Saluugla waxaan tiriyey bilowgii sanadkii
1996kii, waxaanan ugu talo galay inay soo baxdo markasta oo sanad cusubi
uu u curto Somaliland, waxaanan ku bilaabay sidan:
1. Inta dhaqan ku saanliyo
2. Hidaheeda soo jiray
3. Sirta nolosha ee taxan
4. San ku neefle quutaa
5. Mid siyaasadeediyo
6. Mid kastoo sideeda ah
7. Bulsho wali ku sugantahay
8. Sawir laga arkaa jira
9. Sugan oo muraayad ah
10. La yidhaahdo Suugaan
11. Siiba aragtidaydee
12. Inta aan ku siin karo
13. Waa tane bal suuree.
14. Suugaantu waa hadal
15. Murti iyo sarbeebo leh
16. Maahmaaho soo jiray
17. Iyo gabayadii Sula
18. Halxidhaalihii Saddo
19. Sida loo buraanburo
20. Saarkiyo durbaanada
21. Sacabkiyo Ciyaaraha
22. Soo mariya heesaha
23. Maansadu ku socotee
24. Laga wada sar dheegtaa.
25. Sida caynka sarraha
26. Awrka looga saaree
27. Markaad samay tidhaahdaba
28. Salka uga ruqaansado
29. Ama sibirta Geellaba
30. Hasha godolku saaqaa
31. Sarcanyaha candhada xiga
32. Haaneedka suxullada
33. Si san ugu banaysaa
34. Sanqadha iyo hadhuubkey
35. Sirow ibaha galisana
36. Sarsarka uga maqashaan
37. Sabashada Abwaankana
38. Arrintuu la sololiyo
39. Hanqalkuu la sara kaco
40. Sadrigiisu goohaa.
41. Dhirtuna waa sidaasoo
42. Saadaasha wacan baa
43. Suradkuna magoolaa
44. Dhulka siigadiisiyo
45. Cirka kaa sareeyaa
46. Saanyahooda garataa
47. Sebban wal iyo xaalkii
48. Waxa uu siddaa baad
49. Hawsha adiga kuu sudhan
50. Ugu sabaro waaxdaa
51. Aniguna ma seegine
52. Hadaan hadalka kuu saray
53. Adna saafan doontaa
54. Aan runtaba ku siiyee.
55. Sanadkani haduu yahay
56. Midkii aan sugaynoo
57. Saxalkii ka maydhoo
58. Cudurkii ka sara kacay
59. Sagalkaa dusheena ah
60. Sagaaloodka fooraha
61. Samalahada hoortiyo
62. Seermawaydo curatiyo
63. Haduu Eebbe kugu simay
64. Sanka xoorka geliyoo
65. Sinta rayska wacan dhigo
66. ku wadhwadho sareedada
67. Sii daysay godolkee
68. Ma hadhuubkalaad sugi?
69. Sixir-barar haduu jiro
70. Halka Saalaxwaatuhu
71. ku kalaho salaadeey
72. Gorgoradu saloogaan
73. Shirarkaa sumaysani
74. Neefkaagan suuree
75. Iyo sayladuu tago
76. Saraciina waa buux
77. Saadkii adiga kuu baxay
78. Ee dadow miyaad sacsacantiin?
79. Afartaa sed goynaye
80. Tixdu waa Saluuglee
81. Sida loo sarbeebiyo
82. Inantana bal suuree
83. Maansadu ku socotaa
84. Magaceedu waa Saddo
85. Sadadaan la quudhayn
86. Soomaalilaan-da ah
87. Midabkeedu waa sagal
88. Isagoo si san u da’ay
89. Xidigaha samaawiga
90. Haddii lagu sifeeyaa
91. Sawriceedu waa nuur
92. Ina wada siraaday
93. Timaheegu waa sugul
94. Sugulkaan la kala garan
95. Sayn geri madawgoo
96. Si wanaagsan loo dabay
97. “Sunayaal biciidley
98. Sabar geenyo ugubley
99. Sara-joog nin gobba’leey
100. Soo socod wadaadleey
101. Waa dhaqan sidiisa ah
102. Abidkiiba soo jiray
103. Saddo lagu amaanaa”.
104. Dhexda loo sargooyiyo
105. Qaararkeeda oo siman
106. Aniguna sidaydii
107. Dawaarkaan sidoo kale
108. Suugaanta marin jiray
109. Saddexda qaydda ma u tolay
110. Dhaclihii ma sidataa
111. Boqor iyo subeeciyad
112. Kubabkeeda saayidda
113. Kabaha suunka loo xidho
114. Maradaan ku seemaye
115. Shulaha ugu sii daa
116. Socodkeeda laafyaha
117. Hadba gacan ha saydhee
118. Saska iyo xishoodkana
119. Isir bay u sidataa
120. Soo jiroo dabiiciya.
121. Taladeeda oo sugan
122. Meherkeeda oo saxan
123. Guurkeeda oo saddan
124. Gayaankeeda oo siman
125. Sabadkeeda oo nagi
126. Saranseer haduu dhaco
127. Sahankeegu waa guul
128. Allaa hibada siiyo
129. Halkaan cagaha saariyo
130. Halkaan dhigano suulkaba
131. Nagu seero daajo
132. Samsam bay dhex joogtaa
133. Xareedii sumsumaysaa.
134. Gabadhu waa Suleekhoo
135. Nin heliyo nin seegaba
136. loo wada sardamayaa
137. Siinteedu waa sharaf
138. Iyo siinad gobonimo
139. Dhaqan lagu saleeya
140. Hiddahaan sal-guurayn
141. Sarwadeedu waa hodan
142. Abidkeed saboolayn
143. Saddo laba daryaalaha
144. Aqalkeenii soomaal
145. Udbihii sibaaqnaa
146. Dhigaheedu waa sumad
147. Iyo loolka saarani
148. Hararaha sagaalaha
149. Toddobaalahoo siman
150. Lagu sararo gooyaa
151. Lagu jaro sal iyo baar
152. Sundusida xariirta ah
153. Sawir lagu daraandaro
154. Kuusha lagu sitaacaa
155. Sarabta iyo aloolada
156. Iyo saanta dhiinka ah
157. Saddo ila xidhkeedaa
158. Docda loo sitaaraa
159. Kabadiina sudhan tahay
160. Xeerkuna ma seegana.
161. Sariirtay ku hurudiyo
162. Sigi-beelka raaxada
163. Saligeedu waa nabad
164. Sadho laga fogeeyaa
165. Sarbanaa fijaamadu
166. Sidayaasha qoofalan
167. Satiyada aleesha leh
168. Qunbaha saabka loo hilay
169. Iyagoo sanuunad ah
170. Subagiina ku xarkagay
171. Tamayuluq sideedii
172. Codcodkii sifaysnaa
173. Muqmad sixinku dhaymaday
174. Timir lagu sibaaraa
175. Afka loo salaaxaa
176. Markaad suunka caarada
177. Ama xidhigga suryada
178. Siibka dulaca laga furo
179. Lingixii kor seernaa
180. Darban yahay sidiisii
181. Surta aad ka goysaa
182. Udgoonkii ku saaqaa
183. U sangaagurootaa
184. Sodoh iyo xilkeedii
185. Saddo iyo aroos wacan
186. Siraadkeedu waa diin
187. Sunihiyo kitaabkii
188. Miisaanka saarani
189. Suurdaha Quraankiyo
190. Soddonkii Jis oo idil
191. Saligii Rasuulkaa
192. Sala-waatu-laahiye
193. Sadqo loogu gowracay
194. “Yaa Nabi salaam calayka
195. Yaa Rasuul salaam calayka
196. Yaa xabiib salaam calayka
197. Sala-waatu-laahi calayka”
198. Inantii sifaynaye
199. Inankana bal suuree?
200. Idinkoon sidii noqon
201. Nimaydaan sal iyo baar
202. Wuxuu yahayba suurayn
203. Sidi-qabax ku raacdaan
204. Beritana sidalagtii
205. Afka salaxa kula dhegin
206. Idinkoon sidii noqon
207. Soomaali loo yidhi
208. Dhibtii ay u samirteey
209. Nimcadeeda saydhaa
210. Oo sida soodhe weeyaan.
211. Idinkoo sidiinaba
212. Sal-fudaydka qaarkii
213. Ummadyahay ka saaloon
214. Siday aniga ila tahay
215. Ninka lagu sibaaree
216. Noqon kara siyaasiga
217. Saddo ay u qalantaa
218. Inantaa la siiyaa:
219. Ha ahaado suubane
220. dhalashadu sed weeyee
221. ninka sawraceediyo
222. sulbi kula arooraa
223. Soomaalilaande ah
224. Samay adag ku joogoo
225. Magaceedu sudhan yahay
226. Si kastana u hanan kara
227. Xilkeedoo la saaraa.
228. Ha ahaado suubane
229. Ninka lagu sibaaree
230. Noqon kara siyaasiga
231. Saddo ay u qalantaa
232. Soo jeede foojigan
233. Saajac aan la dagi Karin
234. Geesi aan sal fududaan
235. Samir iyo dulqaad badan
236. Oo seefla-bood noqon.
237. Ha ahaado suubane
238. Ninka lagu sibaaree
239. Noqon kara siyaasiga
240. Saddo ay u qalantaa
241. Si kastood u mudataba
242. Sikhigaan calaacalin
243. Sacabkiisu furan yahay
244. Gacantii ku socotaa
245. Ama ay ku siman tahay
246. Siduu Eebbeheen yidhi.
247. Ha ahaado suubbane
248. Caalim diinta saacida,
249. Xukunkiisu seegseeg
250. Surma-seeg lahaynoo,
251. Sinna loogu aanayn
252. In yar oo sinbiidho ah,
253. Iniq lagu saluugaa
254. Ama loo Soloystaa.
255. Ha ahaado suubane
256. Ninka lagu sibaare
257. Noqon kara siyaasiga
258. Saddo ay u qalantaa
259. Ninka soo socdaalee
260. Beelaha saweeyee
261. Nabadda loo soloystaa
262. Danta loo sariigtee
263. Laba seeri kala xidhay
264. Gacmaha isu saariyo
265. Damal aan sal-guurayn.
266. Xaq illaahay baa sugay
267. Ina faray ha seegina.
268. Ha ahaado Suubane
269. Ninka lagu sibaare
270. Noqon kara Siyaasiga
271. Saddo ay u qalantaa
272. Samo-taliye caadil ah.
273. Ha ahaado suubane
274. Nin saadaasha uriyoo
275. Soohaaha garan kara
276. Arrintii silleedan
277. Salka Waxay ku haysiyo
278. Halkay sibir ku leedahay
279. Sambab uur Haduu galo
280. Sirta kaala soo baxa
281. Waayaha la socon kara.
282. Ha ahaado suubane
283. Siri daaridiisanna
284. Nimaad saari waydaa
285. Inta aanu ku sixin
286. Meesha adiga Kaa siya.
287. Ha ahaado suubane
288. Maalintay sirgacatana
289. Nin sedkiisa loo jaro
290. Seeftiisu nooshahay
291. Sayma kaala bixi kara
292. Cadow iyo sursuur nacab.
293. Ha ahaado Suubane
294. Sida sidigta xoolaha
295. Ama dumarka loo sabbo
296. Ninba si uu ku maalaba
297. Nin yaqaan sabaalada
298. Saaxiib la jecel yahay
299. Sumcadiisu dheer tahay.
300. Ha ahaado Suubane
301. Sad-bursiiyo loo huray
302. Isaguna sidoo kale
303. Ninla seero-daaqaa
304. Saboolkiisa hanan kara
305. Maalintay sarseermaan
306. Waxa aanad sanawaad
307. Ku samayn karayn baa
308. Ragna saacad gudaheed
309. Seken iyo Daqiiqado
310. Saxarkiyo ilbidhiqdaa
311. Sakhiraada Eebbee
312. Ay u suuro-geliyaan
313. Oo loo kala sareeyaa.
314. Ha ahaado suubane
315. Nimaan kibirku saameyn
316. Inta maanka loo saray
317. Aqoontii ku socon kara
318. Dabadeed Wax sixi kara.
319. Ha ahaado Suubane
320. Markuu khalad sameeyaba
321. Sida uu u jecelyahay
322. Allihiisu saamaxo
323. Isaguna nin saamaxa
324. Cidda ay isa seegaan.
325. Ha ahaado Suubane
326. Ninka lagu sibaaree
327. Noqon kara siyaasiga
328. Saddo ay u qalantaa
329. Inantaa la siiyaa
330. Sifihii kastee wacan
331. Sedna loogu darayoo
332. Xumo la sifeeyoo
333. Sadrigiisu nuurraa.
334. Ha ahaado Suubane
335. Suxufiga waraaqdiyo
336. Qallinka isa saaree
337. Saxeexiisu kii yahay
338. Saatirkeen jeclaaye
339. Sala-waatu laahiye
340. Nebigeena suubanee
341. Ka nasahan sufiihiga
342. Subadii ibliiska leh.
343. Afartaa sifaynaye
344. Tixdu waa Saluuglee
345. Mar labaad halkeedii
346. ha inooga socotee
347. Dhextaaladana suuree.
348. Soddon lagu xorreedii
349. Gaadhiga ma seexdaha
350. Saamamkaan ku tiirshiyo
351. Dhuumaha la saareen
352. Surka qoriga uga jaray.
353. Soddon lagu xorreedii
354. Saq-dhexaadka guuraha
355. Soolkiyo gudoodiga
356. Laba Celiyay sahankee
357. Socodkeedu dalandalay.
358. Soddon lagu xorreedii
359. Isa-sudhanta geedaha
360. Sarmaantii galoolkiyo
361. Sog-sogtiyo cadaadii
362. Saydhada ku turuqdiyo
363. Qalantida ku saaftiyo
364. Saymaha xigoodii
365. Saw-sawlihii baas
366. Suudiga ku mari jiray.
367. Soddon lagu xorreedii
368. Sowjadii haweenkiiyo
369. Surad lagu dhaqaaqee
370. Suusaciyo lis xoorkeed
371. Soor kaleba daynee
372. Sibraar loo biyaystiyo
373. Soley quudo mooyee
374. Siniin kale la urin jirin.
375. Soddon lagu xorreedee
376. Saryankiyo ugaadhiyo
377. Loo cunnay sakaarada.
378. Soddon lagu xorreedii
379. Dundumada aboorkiyo
380. Socotada qudhaanjada
381. Sud intii la sheegiyo
382. Sarta raaka aan dhigo
383. Sanaagaan maraynaba
384. Sanqadh reer ku xero-galo
385. Magacii na saaciday ‘SNM’
386. Laga sii salsali jiray.
387. Soddon lagu xorreedii
388. Dhabanada subixii
389. Sanku noo qolfaysteen
390. Safankiyo cagaagii
391. Hanfigaan ku siganiyo
392. Surmigii na gowracay
393. Carrabkii na sare tegay
394. Ninna hadalka soo roggin.
395. Soddon lagu xorreedii
396. Saacadaynu kulanaba
397. Safka laysku waajaho
398. Iyagoo sagaal goor
399. Saddex laab inaga badan
400. Tiradaan ku soconaa
401. Sutidoon u qabaniyo
402. Dhaawaca ku siddanee
403. Naga sayid-calayn jiray.
404. Soddon lagu xorreedii
405. Saq-dhexaadka waaberi
406. Salaadoon la daakirin
407. Saacadaha ku beegnee
408. Saldhigii la weeraro
409. Sooma-jeeste jiidhiyo
410. Sangayaasha caarka leh
411. Xabadii ma seegtada
412. Sumaceedu ka onkoday.
413. Soddon lagu xorreedii
414. Xabsiyada siniinka ah
415. Sababtooda loo galay.
416. Soddon lagu xorreedii
417. Sirta loo cawaansaday.
418. Soddon lagu xorreedii
419. Surimada magaalada
420. Suuqa beer-dhiqaalaha
421. Sabanlowdu yeedhee
422. Suugiyo baroonkiyo
423. Siikaawigu hilaacee
424. Hadba saalba-saalbada
425. Samadu isku xidhantee
426. Siigadu ka qiiqdee
427. Sekedaha dalooshaday.
428. Soddon lagu xorreedii
429. Ragga haadku sooryaday
430. Nin-na tiro u Suureyn.
431. Soddon lagu xorreedii
432. Salawaatu laahiye
433. Isagiyo sidiiqii
434. Godkii suufka caarada
435. Annagana sidoodii
436. Alle nagu salaamee
437. Yaasiinka loo sugay.
438. Soddon lagu xorreedii
439. Caadiyo sumuudiyo
440. Saxariirka dumarkiyo
441. Kii sebbiga layn jiraye
442. Saamiriba ka illaday
443. Tawxiidkii saarnee.
444. Soddon lagu xorreedii
445. Xidigaha suhuuriyo
446. Ururrada samaawiga
447. Suuradaha Quraankiyo
448. Sadarrada ku shaaximan
449. Samadaydii toosnayd
450. Sareediyo barwaaqada
451. Sannad hoodaloo wacan
452. Soomaalilaan bay
453. Salka dhaabatayoo
454. Calankeedu sudhanyee.
455. Tixdu waa Saluuglee
456. Inantaan sifaynee
457. Saddo loogu magac-daray
458. Inanka oo ah Suubane
459. Meherkeedii oo saxan
460. Guurkoodii oo Seddan
461. Sidii Cali iyo Faadumo
462. Gacmaha isu saarnee
463. Ducadaynu siiniyo
464. Taladiina waa sidan.
465. Shanta lagu salaadee
466. Alle loo sujuudee
467. Sunihiyo axkaamta leh
468. Xadhigan la sii deyn
469. Samadiyo dhulkaba jira
470. Silo waata Eebbee
471. Siraadkaan lagaa demin
472. Surinkaan lagaa xidhin
473. Iimaanku waa sadde
474. Salawaatu-laahiye
475. Sife Nebiga ku lahow.
476. Samirkooda aan jabin
477. Sarwadooda aan gudhin
478. Sacabkooda aan madhan
479. Seeftooda aan baqan
480. Ambiyada la siiyiyo
481. Awliyada sir ku lahow.
482. Beenaale waa sixir
483. Dadka kale sadheeyoo
484. Si xun wax ugu sheegee
485. Sawirada ibliiskana
486. Sadro xidhan ka lahow.
487. Ka ku sira mid kuu sedda
488. Saxiib cadowga ka lahow.
489. Doqontii sokeeyaha
490. Suufaha u tumatee
491. Seedda boqonta goysana
492. Sama-taliye ka lahow.
493. Haddii muruqa laba-suul
494. Adigana si kula yahay
495. Ama talo ku seegtaa
496. Adigoon sidaadaba
497. Sahwigaaga ku cartamin
498. Sakhda cadhadu waa mare
499. Soo noqosho ka lahow.
500. Wax kastood saluugtana
501. Dhaqan suuban ka lahow.
502. Socodkaaga Boorame
503. Saylac Iyo Hargeysiyo
504. Saaxil kaama guurtee
505. Burco soo naheediyo
506. Sudda Ceerigaabiyo
507. Gobollada Sanaageed
508. Sooliyo intii bari
509. Hawdiyo saraar Godan
510. Buuraha silsiladee
511. Soomaalilaan mara
512. Saalada misciriirtiyo
513. So’da loo arooriyo
514. sabadaad ka joogtiyo
515. Sabadkaad ka daaqdaba
516. Saddo caanoku lahow.
517. Surad nabadda ku lahow.
518. Saxansaxada roobaad
519. Saadaasha wacaniyo
520. Sagal hooray ku lahow.
521. Shinidana sed ku lahow.
522. Saydhada shisheeyaha
523. Sunta halaqa ku lahow.
524. Markay tahay siyaasado
525. Isa seegideediyo
526. Isa soocinteediyo
527. Isa sidashadeedii
528. Isa saamaxeediyo
529. Sabaalooyinkeediyo
530. Suul-dhabaalaheegiyo
531. Sinbiriiraxeedii
532. Silbadkeeda oo badan
533. Salaankaad koraysaa
534. Ha ahaado kii sugan
535. Dadku kula socdaanay
536. Kula saran yihiin badi.
537. Inta lagu sifoobee
538. Lagu saafiyoobaa
539. Sekedaada xoolaha
540. Salaadiyo cibaadada
541. Iyo soonka Ramadaan
542. Sadaqada inoo furan
543. Sooryada lilaahida
544. Sikhi hooda ku lahow.
545. Xadigaha suhuuriyo
546. Ururrada samaawiga
547. Sawaariikhda duushiyo
548. Hubka samada loo gano
549. Saacdaha wareegiyo
550. Satalaytku gaadhayn
551. Gaaladu samaysaa
552. Allihii na siiyee
553. Noo suura geliyee
554. U sakhiray islaamkay
555. Mahadi u sugnaatee
556. Safarkii Rasuulkii
557. Sala-waatu-laahiye
558. Socdaalkiisii xarameyn
559. Darmaantii la saariyo
560. Sirtii uu ku dheelmaday
561. Saaciido ku lahow.
562. Soo noqoshadiisii
563. Intii uu su’aashee
564. Loo soo saxeexaan
565. Innana saaka barinoo
566. Saatir kama hungownoo
567. Isa seegi maynee
568. Siyaarooyinkeediyo
569. Sannad-guuradeedaba
570. kheyrlagu salaanyeey
571. Sokeeyaha dhexdiisiyo
572. Saluuglaay adduunyada
573. Sumcad waarta ku lahow.
574. Madaxweynihii Saddo
575. Madasha iyo Suldanada
576. Ninkastoo siyaasiya
577. Qalabkiyo raggaa sidda
578. Shacbigay ka socotaa
579. Hambalyiyo salaan wacan
580. Sannad hoodaaloo wacan
581. Kii aan sugayniyo
582. Saddo iyo aroos wacan
583. Saadada Islaamkiyo
584. Soomaalilaand wacan
585. Adna suxufigiiyow
586. Saacidayaashii
587. Dhammaan ii sinaayow
588. Kuligiin salaan wacan
589. Iyo soo dhowayntiin.
| Amiiro Carbeed
Oo Raxan Gelaydho Ah Iyo Gawaadhida Dheeraysa Ku Ugaadhsanaya
Duur-Joogta Xeebaha Gobolka Saaxil |
Berbera, January 2, 2008 (Haatuf) – Kooxo Amiiro Carbeed ah ayaa
badhtamihii bishii December, 2007 ka bilaabay degaanada xeebta gobolka
Saaxil hawl-gal balaadhan oo ay ku ugaadhsanayaan noocyada ugaadha
duur-joogta ah ee ku dhaqan degaanadaasi.
Kooxdan Carbeed oo uu hogaaminayo Amiir u dhashay dalka Imaaraadka Carabta
oo ay weheliyaan ugu yaraan shan ka mid ah qoyskiisa iyo todoba xubnood
oo kale oo isugu jira shaqaalihiisa iyo asxaabtiisa gaarka ah, ayaa
hawl-galkan ugaadhsigooda ugu horeyn ka bilaabay aaga degmada Xagal ee
bariga gobolka Saaxil, iyaga oo u adeegsanaya ugaadhsigooda in ka badan
20 Galeydh oo si xoog ah u tababaran iyo gawaadhida dheeraysa oo ay
iyagu keensadeen, halkaasi oo ay mudadii ay ku sugnaayeen ku qabqabteen
duur-joog, gaar ahaan bahasha loo yaqaan Jugleyda iyo Dareeda, kuwaasi
ah duur-joogta ay sida gaarka ah u doonayaan.
Waxaanay kooxdan Carbeed hawl-galkoodan ruqsad ogolaansho ah uga qaateen
dawladda Somaliland, sida uu Haatuf u sheegay Wasiirka Wasaarada
Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Fu’aad Aadan-Cade balse ruqsadaasi
waxay sheegaysaa buu yidhi Wasiirku in ugaadhsigoodu ku kooban yahay wax
ay cunaan mudada ay dalka joogaan, gaar ahaan Dareeda, Jugleyda,
Bakaylaha iyo Sakaarada
Kooxdan Carbeed mudadii ay degmada Xagal ku sugnaayeen waxay maamulka
degmada ugu deeqeen dhismaha Laba qol oo noqon doona guriga Martida ee
degmadaasi.
“Waxay Fara baas ku hayaan ugaastatadan carbeed shinbirta juglayda la
yidhaa oo ka mid ah duurjoogta ka sii dabar go’aya deegaanada
Somaliland’ sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka degan deegaankaas
Hase yeeshee, sida ay sheegeen dadkii degaankaasi Xagal ee kooxda
Carbeed ka bilowday ugaadhsigooda, ayaa sheegay in kooxdaas Carbeed oo
ruqsadoodu ahayd in ay ugaadhsadaan waxa ay nafahooda u cunaan ay
ujeedadoodu intaas ka fogtahay, isla markaana ay ugaadhsadeen ama
laayeen intii loo ogolaa in ka badan, taasi oo ay shibirta Juglayda la
yidhaahdo ee ugaadhsigeeda loo ogolaaday ay ka mid tahay shimbiraha sii
dabar go’aya ee ku nool dalka. Sidaas darteedna ay markeeda horeba
khalad ahayd in ruqsad lagu bixiyo ugaadhsigeeda
Waxaanay kooxdaasi Carbeed kadib markii ay laba todobaad ka ugaadhsadeen
degmada Xagal ee bariga Berbera hada uga gudbeen degaanada galbeed ee
gobolka Saaxil, halkaasi oo ay hada ku sugan yihiin, hawshoodiina ka sii
wataan.
| Fariinta
Sannadka Cusub Ee Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka QARAN |
Idinkoo mudan naga aqbala mahadnaq ballaadhan dadaalkii
cuslaa ee aad u gasheen u hiilinta xaqa iyo mabaadi'da Dimuqraadiga,
anagoo ku rajo-weyn in aydun ka hadhaynin inta la heleyo xuquuqda
aasaasiga ah ee nala ka hortaagan yahay oo ah in la ogolaado in ururada
siyaasadeed ka qayb qaataan loolanka iyo siyaasadda wadanka sida
Dastuurku damaanad qaadayo.
Muwaadin qudh ah oo si aan sharciga waafaqsanayn looga qaado xuquuqdiisa
iyo xorriyaadkiisa aasaasjga ahi, waxay ka dhigantahay ayadoo dhammaan
bulshada laga wada duudsiyey. Tacadiga nala kula kacay ma ahayn mid aanu
ku mutaysanay dambi aanu ka galnay dadka iyo dalka (nabadda, xasiloonida
ama sharciga) ee wuxuu ahaa mid siyaasadeed oo doorashooyinka soo socda
la damacsan yahay in nala kaga reebo.
Anagoo (Madaxda Urur Siyaasadeedka Qaran) dembiga keliya ee naloo
tirinayaa yahay doonista inaanu isticmaalno Xuquuqda iyo Xorriyaadka
siyaasadeed ee noo damaanad qaaday Qodobka 23/3 ee Dastuurka iyo
Xeerarka doorashooyinka dalkan.
Article 23/3:- All citizens shall the right to form, in accordance with
the law, political associations", kaas oo bixinaya fursada in dad badani
ka qayb-qaadan karo tartanka dorashooyinka.
Nasiib-darro waxaa na horyimid maamul tiisu u caddahay oo aana ogolayn,
in khilaafaadka iyo aragtiyaha kala duwan, xallintooda loo maro
wada-hadal, isu-tanaasul iyo waxay danta Qaranku ku jirto, helayna
shacbi gaajo iyo rajo-xumi badani la soo deristay.
President Franklin Delano Roosevelt said: "True individual freedom
cannot exist without economic security and independence. People who are
hungry and out of job are the stuff of which dictatorships are made."
Waxaanu indhaha bulsho-weynta caalamka ku guubaanineynaa inay hoos u
eegaan arrinta meesha taalla oo hadii la ogolaadoo noqoneysa masiibo
fool-xun oo wax badan wax yeeli karta geedi socodka Dimuqraadiyadda iyo
wada tashigii naga dhexeeyay.
Waxaan giddigiin Ilaahay idiin ka rajeynayaa in sanadka cusubi noqdo kii
noo hagaagoo keena himiladii iyo midhihii aan wax badan sugeynay.
Gudoomiyaha Ururka Qaran
Dr. Mohamed Abdi Gabose. Top
| Masuuliyiin Ka
Tirsan Xisbiga UDUB Ee G/Awdal Oo Ku Baaqay Inaan Itaalyarida
Dhaqaale Iyo Ictiraaf La'aanta Caalamka Ka Timi Xukuumadda Rayaale
Lagu Eedeyn |
"Mucaaradku maaha in wax kasta oo wanaagsan oo dawladdu qabato uu aaso,
xumaantana....." Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB ee G/awdal
Boorama, January 2, 2008 (Haatuf) – Qaar ka tirsan masuulyiinta xisbiga
UDUB ee gobolka Awdal ayaa axsaabta mucaaradka ah ee dalka ku eedeeyey
inay mar kasta xukuumadda waxqabadkeeda iska indho tiraan isla markaana
wax aanay dawladdu masuul ka ahayn sabab uga dhigaan haddii ay jiraan
dib-u-dhacyo dhinaca siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha Ijtimaaciga ahba.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, Ku-xigeenka wakiilka xisbiga UDUB ee Gobolka awdal Barkhad Cumar
X. Khayre, iyo Xoghayaha xibiga UDUB ee G/Awdal Axmed Muumin Seed, oo
shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee Boorama, ayna
goobjoog ka ahaayeen qaar ka tirsan madaxdhaqmeedyada degaanka Boorama
oo uu ka mid yahay Caaqil Cabdi Faarax Geelle ayaa waxa kale oo ay kaga
hadleen arrimo door ah oo ku saabsan waxqabadka xukuumadda Rayaale intii
ay talada haysay oo ku dhawaad afar sano iyo badh ah.
Ugu horreyn waxa shirkan ka hadlay Barkhad Cumar, ahna ku-xigeenka
wakiilka xisbiga talada haya ee UDUB ee G/awdal isagoo hadalkiisii ku
yidhi "Waxaan in badan iyo sannado badan maqlaynaa dhaliilo iyo ceebo
badan oo axsaabta mucaaradka, siyaasiyiin iyo dad kale dad iska caadi
ahiba u soo jeedinayaan xukuumadda Madaxweyne Rayaale kaas oo ay ku
eedeynayaan mar walba in dalku meel xun marayo, dadkana ku beeraya cabsi,
dhibaato iyo belaayo aan jirin. Waxaan markhaati ka nahay in shan sano
ku dhawaad iyo in ka badan oo Madaxweyne Rayaale uu dalkan xukumayey ay
Somaliland ka badbaadday dhibaatada haysata Soomaalida inteeda kale.
Maynaan maqal belaayo ka weyn kooxihii yaraa ee saddex ilaa afar
sannadood ka hor laga soo diray Soomaaliya ee dadka ajnebiga ah
beegsaday. Maynaan maqal Somaliland uga soo gurmada nabadgelyo darro,
maynaan maqal Somaliland dhibaato ayey ku haysaa Geeska Afrika iyo
dalalka deriska ah sida Itoobiya, marka laga reebo damaca Cabdillaahi
Yuusuf iyo kooxaha maajeerteeniya ee sheeganaya Somaliland dhulkeeda.
Walaalaheenna mucaaradka ahi waxay maalin walba dadka u sheegayaan dal
dhibaato nololeed iyo tu dhaqaale ka taagantahay, iyadoo lagu garan karo
dhaqaaleheenna in shilinkeenna Somaliland oo cidhiidhi ku haya lacagihii
ajnebiga ahaa sida Doolarka oo kale. Haddii dhaqaale darro iyo nolol
xumo jirto lacagteennu qiimo ma yeelateen sidaa darteedna waxan
walaalahayga mucaaradka u sheegayaa inay dadka ka daayaan cabsida, oo ay
sheegaan in dhibaatooyinka iyo dib-u-dhaca laga arki karo nolosha iyo
mashaariicda horumarintu yihiin kuwa ka yimi cadaadiska siyaasadeed ee
lagu hayo dalkeenna, ictiraaf la'aan iyo xaasidiin badan oo doonaya
inaanay Somaliland waxba noqon. Dhaliilaha soo noqonoqnaya ee maalin
walba lala daba taagan yahay xukuumadda, waa inay ku daraan wanaagga iyo
waxtar kasta oo xukuumaddu qabatay, oo aanay aasin wixii abaal ah ee
dawladda Rayaale u gashay shacbiga Somaliland ee doortay.
Waxa la ogyahay inay maanta caasimadda Hargeysa deggen yihiin in ka
badan 80 hay'adood oo ajnebi ah, kuwaas oo Somaliland caawiya, dhaqaale
badanina ka soo galo dalka iyo dadka, hadii ay ogyihiin hay'adahaasi in
Somaliland quus tahay waxay iska tegi lahaayeen meelo kale oo ka ammaan
badan.
Ugu dambayntiina waxan leeyahay walaalahayga mucaaradka oo aan kula
talinayaa inayna innagala mid dhigin Soomaaliya, oo ay talooyinka
wanaagsan iyo waxtarka wanaagsan ee dawladda Rayaale sheegaan.
Siyaaasadda horumarka laga gaadhay waxa ka mid ah in dalal badani inna
ictiraafsan yihiin maanta, balse ay ka waabanayaan oo keliya inaan lagu
eedeyn arrimo kale. Waxad ogtihiin in madaxweyne Rayaale tegayo
Maraykanka, ma awalbaa Maraykan innala hadli jiray ama wax inna weydiin
jiray. Waxaad ogtihiin xidhiidhkeenna dalalka deriska ah, sidaa
darteedna waxaan soo jeedinayaa inaan dhexdeenna muujiino midnimo."
Axmed Muumin Seed oo ah Xoghayaha UDUB ee G/Awdal oo isna hadallo kooban
halkaa ka sheegay ayaa yidhi "Runtii ma arko anigu wax maanta ka
xumaaday Somaliland wax u kordha mooyee, dhibta caalamku innagu hayo oo
kaalinteedii bannaan tahay weli ayaad moodda walaalaheenna mucaaradka
ahi inay sabab uga dhiganayaan xaaladda dalka maanta dagaalka kula jira
Majeerteeniya oo sheeganaysa gobollo ka mid ah dalkeenna. Waa la ogyahay
guulaha ciidankeennu ka soo hooyey, waa la ogyahay sida shacbigeennu
heellanka ugu yhahay taakuleynta ciidankeenna, sidaa darteedna anigu ma
arko dhibaato dhex taalla dadkeenna oo siyaasadeed. Haddii tabasho jirto
waa in la iskaga yimaaddaa oo laga wada tashado. Dhinaca gobolkan Awdal
markaan ka hadlo waa gobolkii uu ka yimi madaxweynuhu, haddii
madaxweynuhu ka yimina dee maahaa inaan wixii dalku lahaa qaadanno ee
dhaqaale iyo horumarin ahaa, ee waa inaan sugnaa inta gobolada kale
nagaga horreynayaan. Waxa kale oo beryahan dambe soo baxayey warar
sheegaya in dawladda Rayaale ballanqaadday jidka isku xidha Boorama -Dila,
hadalkaas oo borobagaan badan laga sameeyey wax looga jeedo garan maayee,
waxan leeyahay jidkaasi shacbigaa dhisanaya ee dawladdu way taageeraysaa
suurtgalnimadiisa, ballan-qaadkeeduna wuxu ahaa nidaam kasta oo lagu
dhisayo way taageeraysaa dawladdu. Ma garanayo ragga maalin walba leh
dawladdaa dhisaysee iska daaya, waa xaasidnimo iyo ceeb dawladda lala
doondoonayo.
Caaqil Cabdi Faarax Geelle, kana mid ah madax-dhaqameedyada Boorama oo
isna hadallo kooban halkaa ka yidhi ayaa yidhi "Horta anigu siyaasi ma
ihi, waxaanse ka hadli karaa wixii dadka aan masuulka ka nahay kala
geynaya inaan tilmaan siinno. Belaayo aan jirin looma yeedho, mucaarad
iyo muxaafidna wada tashadana waa waxa lagu gaadho horumarka. Qof wuu ka
baydhi karaa waxa dadweynaha kale u arkayo si kale, laakiin aakhirka
waxa la iskugu yimaaddaa meesha dantu ku jirto. Dawladda maanta jirta
waa danteenna iyo danta reer Somaliland, wax baa la kala taban karaa,
reer Awdal iyo reer Hargeysaba way is tuhmi karaan, Illaahay uunbaa
baahida kaxayn kara ee bini aadan waxba ma kaxayn karo ee hala isku
dulqaato oo caano yaraanta yaan la isku nicin oo aynaan dawladda ku
xumaynin, haddiise kursi iyo dan shakhsi iyo waxyaalo yaryar ah dawladda
ku duminno, waan soo aragnay waxa dawlad la'aani tahay, dulqaad iyo
waddaninimo ayaa loo baahan yahay."
| Axmed
Washington Maxaa Dalka Looga Saaray? |
Asraarta Ku Xeeran Erigii Wakiilkii Hore Ee EU-Da U Fadhiyay Somaliland
Hargeysa, January 2, 2008 (Haatuf) – Dabayaaqadii bishii October , 2005,
waxa xukuumadda madaxweyne Riyaale ay dalka Somaliland ka caydhisay
wakiilkii Komishanka Yurub xilligaasi u fadhiyay Magaalada Hargeysa,
Axmed Maxamed (Axmed Washington) oo ay ku eedaysay inuu ku kacay falal
ku lidi ah qaranimada Somaliland.
Ma jirin wax tafaasiil ah oo ay xukuumadda Somaliland ka bixisay
sababaha dhabta ah ee ku kaliftay inay dalka ka saarto Axmed Washington,
iyadoo markii ay arrintani dhacday ay dadku isweydiinayeen tolow waa
maxay dambiga uu galay ee madaxweyne Riyaale-na maaransiin wayday inuu
ninkaasi dalka ka caydhiyo. Ra’yal caamka intiisa badani waxay isku
qanciyeen in kolay ay wax weyni jireen maadaama u madaxweynuhu ka
badheedhay inuu go’aankaasi qaato, isaga ogaa in talaabadani ay iska
horkeeni karto Somaliland iyo deeq bixiyayaasha reer Yurub ee kaalmadda
siiya Somaliland oo ka kooban in ka badan 23 dal oo xubno ka ah Midawga
Yurub, kuwaas oo u Axmed Washington ahaa xilligaas wakiilkooda u fadhiya
Somaliland.
Hase yeeshee, waxa isla xilligaas soo shaac baxayay warar sheegayay in
eriga Axmed Washington uu ka dhashay arrin gaar ah (Personal) oo
dhexmartay isaga iyo qasriga madaxtooyadda.
Wararka caynkaas ah nuxurkoodu wuxuu ahaa in sababta Axmed Washington
loo caydhinayay aanay dhaafsiinayn madaxtooyadda oo ninkaasi laga
qaniinay, waxaanay wararkani sii xoogaysteen oo jiritaankooda la sii
rumaystay wax yar ka dib markii ay xukuumadda Somaliland ogolaatay in
Axmed Washington dib ugu so laabto magaalada Hargeysa, xilkiisii horena
halkii ka sii wato.
Haddaba Wargeyska Haatuf ka dib markii u baadhitaan ku sameeyay
dhacdadani, wuxuu halkan idiinku soo bandhigi doonaa asraarihii ku
xeernaa erigii Axmed Washington iyo asbaabaha dhabta ee loo cuskaday.
Qaybtii 4aad
Wasiir Axmed Xaaji Daahir wuxuu markii hore isku dayay inuu Axmed
Washington hoos ahaan dalka uga saaro, waxaanu niman arrinta judhiiba
wax ka weydiiyay uu u sheegay in aanu isagu shaqo ku lahayn eriga
Washington balse uu yahay amar xagga sare kaga yimid.
Hase yeeshee kadib markii ay arrintu soo shaac-baxday ee Saxaafaddu ka
hadashay, Axmed Xaaji Daahir way la noqon weyday inuu runta ka sheego
siday wax u dhaceen. Intuu is lahaa wax dambabas ayuu dhiiqooyin kale
sii galay.
Shir saxaafadeed uu arrintan kaga hadlayay oo uu Hargeysa ku qabtay
6/11/2005, waxa wasiirka la weydiiyay su’aal ahayd “Yaa ku siiyay
awoodda aad nin noocan ah ku saarayso, miyaanay ahayn shaqadii
wasaaradda Arrimaha Dibadda?”
Axmed Xaaji Daahir wuxuu iska yidhi oo uu ku jawaabay “Waa run oo
wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa leh [Shaqadan] laakiin annagu maadaama
aan lana ictiraafsanayn ma lihin kala-dambeynta noocaas ah, sharcigana
kuma dhaqanno. Dee markaas aniga uun baa intaan fakiray ayay ila noqotay
in aan sidaas sameeyo.”
Ina Xaaji Daahir dalka uu sumcadiisii iyo karaamadiisii dhulka la dhacay
waxa kaga weynaa difaaca Mr. Rayaale oo uu isku haleyn weyn ku qabay,
waxaana xaqiiqawday in labada ninba aanay cidna wax iskaga tirinayn oo
sida ay doonaan dalka iyo dadkiisaba ka yeeli karaan.
Waayo tan oo kale waa tii ay dawladuhu ku dhici jireen ee xukunka lagaga
tuuri jiray Maxkamadna lagu horkeeni jiray cidda dambigaas oo kale
qarankooda ka gasha. Laakiin ina Xaaji Daahir taagga isagaaba tirsanayay
in lagu khaldamay, waxaanu shirkaa jaraa’id ku sheegay inuu la yaaban
yahay dadkan ka qaylinaya nin dalka laga saarayo maadaama ayuu yidhi
aanay jirin cid hore oo ku qabsatay dhawr ka mid ah shaqaalaha hay’adaha
caalamiga ah oo uu isagu hore dalka uga eryay.
Ina Xaaji Daahir weli wuxuu xubin ka yahay golaha Wasiiradda Somaliland,
waxaanu muddo 4 sannadood ah soo silcinayay wasaaraddii Qorsheynta ka
hor intii aan muddo haatan sannad-ku-dhawaad ah laga soo bedelin ee aan
la geyn wasaaradda Warfaafinta.
Axmed Xaaji Daahir waa nin beel ahaan ka soo jeeda gobolka Boorama,
laakiin wuxuu ku soo barbaaray magaalada Hargeysa oo qoyskoodu degganaa.
Axmed wuxuu muddooyinkii dambe ku noolaa qurbaha waxaanu sannadihii u
dambeeyay deggenaa dalka Kanada halkaas oo uu wakhtiyada qaar jaadka ku
iibin jiray.
Marka taariikhda siyaasadda Somaliland ee xilliyadii lixdamaadkii dib
loo jaleecdo, waxa marxaladdaasi lagu tilmaami karaa mid uu saameynta
ugu weyn ku lahaa Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum
Maxamed I. Cigaal, halka Xaaji Daahir-na (Wasiirka aabihii) ka mid ahaa
shakhsiyaadka ugu mudakarsan ee farta lagu fiiqo marka la eego Beesha
Gadabuursi dhexdeeda ama bulsho-weynta Somaliland-ba.
Madaxweyne Cigaal oo lagu yaqaanay in mararka qaarkood uu hab hiddo-raac
ah ku doorto cidda uu xukuumaddiisa ku soo darsanayo ayaa dadka qaar
rumaysan yihiin inuu Axmed Xaaji Daahir isagu dibadda uga yeedhay oo uu
Marxuumku doonayay inuu doorashada teeramka dambe ku beddelo Daahir
Rayaale oo isagu ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Cigaal.
Ilo xog-ogaal u ahaa arrintan oo ka waramaya siduu ku-talo-galku ahaa
ayaa waxay sheegeen in Daahir Rayaale oo shirweynihii beelaha Somaliland
ee Hargeysa 1996/1997 loogu doortay inuu noqdo Madaxweyne ku-xigeenka
Somaliland, markii uu ogaaday qorshaha lala damacsan yahay uu bilaabay
inuu raadsado fiiso uu dalka Kanada ugu dhoofo.
Laakiin Cazaawa-jallaha Illaahay ayaan sidaas qadarin oo waxa 3-dii May
2002 geeriyooday Madaxweynihii dalka, Marxuum M. I. Cigaal, waxaana
dhaxlay oo Madaxweynihii Somaliland noqday Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa
ku-xigeenkii Cigaal ee fiisada doon-doonayay.
Axmed Xaaji Daahir markii uu arkay in aan meesha wax u oolin ayuu
go’aansaday inuu Kanada-diisii iskaga noqdo. Hase yeeshee isaga oo inuu
ambabaxo u diyaargaroobaya ayaa waxa u yeedhay Daahir Rayaale waxaanu u
dhiibay wasaaraddii Qorsheynta, tallaabadaas oo ujeedada keliya ee
Rayaale ka lahaa ahayd inuu ku raaligeliyo amaba ku aamusiiyo beesha
Maxamed Case, taas oo ay ka soo jeedaan Xaaji Daahir iyo rag kale oo
madax dawladeed iyo siyaasiyiinba soo noqday.
Haddaba haddii aynu dib ugu soo noqono sheekadii ahayd asraartii ku
xeernayd erigii wakiilka Komishanka Yurub, bishii October 2005, waxa
jirtay arrin layaab leh oo dhacday muddo yar ka hor intii aan warqadda
eriga Axmed Washington la keenin xafiiska EC-da…
La soco …………
| Shacabka
Somaliland Wuxu U Haraaddan Yahay Aqoonsiga Beesha Caalamka |
Prof. Axmed Al-Azhari (siyaasi madax banaan)
Somaliland waa dal jira, Laakiin aan weli beesha caalamka ka helin
aqoonsi caalami ah, ummadda S/land waxay suurogalisay inay S/land noqoto
Dal Nabdoon oo lagu soo hiran karo.
Guushii ugu weyneyd ee ay S/land gaadhay waxay aheyd markii ay
Nabad-Gelyo ku dhamaadeen doorashooyinkii kala danbeeyay tii
deegaanka,Madaxtooyadda iyo baarlamaanka oo sidii ay ku dhamaadeen iyo
wanaagii shacbiga S/land muujiyay caalamkuna inoo qiray inaynu nahay dad
wax qabsan kara oo la jaanqaadi kara Beesha Caalamka, hirgelin karana
dimuqraadiyad dhab ah een looga baran wadamada Afrikaanka ah, shacbiga
S/land waxay ilaashadeen nabad-gelyadoodii dhib kasta oo ka soo gaadhay
iyagoo uga dan lahaa inay ka midho dhaliyaan himiladoodii aheyd inay
maalin maalmaha ka mid ah helaan aqoonsi caalami ah waa Dalka ay ka
jirto shaqo la’aan baahsan.
Shacbiga S/land wuxuu degel-fadhi ahaa 17 sanno ooy raasamaal cun
ahaayeen waxay Samir iyo Iimaan ku gaaban dhulkooda, nabadooda iyo
Dawladooda wixii cashuur lagu yeeshana wey bixiyaan iyagoo Duruufo adag
ku nool yihiin. Dadku maalinba maalinta ka danbaysa way badanina way
inoo hadhsanyihiin wixii innoo qabsoomay waxay ku timi Midnimo, Wada-tashi
, Ismaqal, Isqancin, iyo isku Duubnaan.
Dhacdooyinka dhacay, xaaladda uu dalku ku suganyahay iyo daruufaha
qalafsan ee Dadweynuhu ku noolyahay waxay shacbiga S/land ee nabada
jecel, ee samirka badan ku abuurtay werwer, walaac iyo niyad-Jab-weyn
waxaa umadda isu-qaban waayay baahida aynu u qabno aqoonsi caalami ah
iyo talaabooyinka uu M/W Rayaale ku talaabsaday Sanadkan dhamaaday 2007
arrimahaas oo ah kuwo aan la liqi karin iyo gefefka siyaasadeed ee
laf-jabka ah oo gil-gilay JSL, waxay keentay Su’aalo adag oo ah:-
Horta M/W Rayaale ma doonayaa In la aqoonsado S/land? Haddii uu doonayo
aqoonsi muxuu waxan ugu Talaabsaday?
Dhacdooyinka sameemeynta weyn ku yeeshay Ictiraaf-Raadinta:-
1. Xadhigii saddexda suxufi ee Haatuf
2. Xadhigii Madaxda Urur Siyaasadeedkii Qaran
3. Fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay Ururka Xuquuqul ee insaanka
Shuro-Net.
4. Cabudhinta saxaafadda madaxa-Banaan
5. Xukuumadda M/W Riyaale oo ku dhaqmiweyday miisaaniyaddii Golaha
Wakiiladdu ansixiyeen 2007 ka.
6. Xukuumadda M/W Rayaale oo soo bandhigiweyday xisaab-xidh cad dhawrkii
sanno ee u danbeeyay, 2003.2004, 2005.
7. Dastuur Jebinta
8. Muddo kordhintii Golaha Guurtida oo baal marsaneyd distoorka JSL.
9. Muranka Distoorka
10. Musuqmaasuq baahay, iyo
11. Cadaalad-darada garsoorka
Hadaba haddii ay xukuumadda M/W Riyaale doonayso aqoonsi ay ka hesho
beesha caalamka waa inay sida ugu dhakhsaha badan u saxdaa qaladaadka
Laf-Jabka ah ee saameynta weyn ku yeeshay aqoonsiga S/land.
Beesha Caalamku aqoonsiga S/land Shuruudaha ay ka dooneyso waxaa ka mid
ah:-
Shuruudahaas oo ah:-
1. In ukuumadda S/land aanay sinaba u fara-Gelin Hayadaha xuquuqul
insaanka.
2. In ay xukuumadda S/land xaq-dhowrto oo ilaaliso xuquuqda aasaasiga ah
ee Muwaadiniinta S/land sida xorriyatal-qowlka, rayi-dhiibashada iyo
xorriyadooda.
3. In aan saxaafada madaxa banaan la cabudhin.
4. In ay xukuumadda S/land joojiso xadhiga xaq-darrada ah ey ku xidhayso
muwaadiniinta S/land, isla markaas qof aan dambi galin laga la bixin
Gurigiisa.
5. In muwaadiniinta loo ogolaado inay dhigaan banaan baxyo ay ku
cabirayaan tabashadooda.
6. In aanay xukuumadda fara-gelin suuqa-xorta ah
7. In aanay xukuumaddu fasixin Ururo cusub oo ka qeyb-gala tartanka,
doorashooyinka Dawladaha hoose.
8. In Doorasho xor ah oo xalaal ihi waqtigeeda ku dhacdo.
9. In xukuumadda S/land laga helo xisaab cad sanad-walba
10. In ay xukuumadda S/land si degdeg ah oo bilaa shuruud ah xoriyadeeda
ugu soo celiso.
11. In xukuumadu si rasmi ah ugu dhaqanto distoorka qaranka
Haddii xukuumadda S/land ay tix-gelin weydo arrimaha kor ku xusan waxay
iba-kuryeynaysaa ictiraafkii shacbiga S/land u haraadanaayeen, 17ka
sanno ah, sidoo kale waxa hakad geli kara ololaha Ictiraaf-raadinta,
waxay kaloo Niyad-Jab weyn ku keeni kartaa qurba-joog S/land iyo
saaxiibada S/land ee had iyo goor ololaha ugu jira sidii ay S/land u
heli lahayd aqoonsi ay ka hesho Beesha Caalamka.
Arimaha kale ee Madaxweynaha Umadda S/land ka sugayso in uu si deg-deg
ah wax uga qabto:-
1. Balan qaadkii Madaxweynaha in Burao lacagta Giinbaarta ah laga
beddelo.
2. Idaacaddii Qaranka ee dalka oo dhan laga dhageysan lahaa
3. Sicir bararka shacbiga S/land naafeeyay
4. Maraakiibta shisheeye ee xaalufisay baddeena
5. Xukuumadda tirada badan ee tayada-daran oo Madaxweynuhu dhowr-goor
balan qaaday In uu dhisayo xukuumad tiro-yar oo tayo leh.
6. Ciidamada aan derajo laheyn.
Arrimahaas kuma xidhna beesha caalamka ee waxay ku xidhanyihiin
Madaxweyne Riyaale sida uu u Fuliyo.
Xukuumadu waa inay ixtiraanto garashada Ummadda S/land marka ay wax u
sheegayaan.
Masuuliyadda ugu saraysa ee qaranka S/land waxay dusha ka saaran tahay
madaxweynaha wixii fashilaad siyaasadeed ah, dub-U-dhac, dhaliilo ah ama
khilaafaad ah ee ku timaada qaranka isagoo ka masuul ah haddii guul ama
wanaag yimaado (Sida guusha Ciidanka Qaranku ka soo hooyey xuduudaha
bariga) madaxweynahaa iska leh.
Waxa M/W Rayaale ka dhego-adaygay codsiyadii faraha badnaa ee ugu
imanaayay gude iyo dibedba khaasatan Beesha caalamka ee loogu baaqaayey
inuu ka joogsado falalka cawaaqib-xumo ku keeni kara geedi socodka
ictiraaf-raadinta Somaliland, Niyad Jabna ku keeni karta dadka u
ololeeya qadiyadda ictiraafka S/land meel ay joogaanba.
Madaxweynaha Amaanada cirkaa diiday oo dhulkaa diiday oo bani-aadamkaa
xanbaartay, Ummadda S/land dhibta heysata adigaa lagaala xisaabtamayaa
masuuliyadu waa garashada waa jibaadkaaga, Samirka, Dulqaadka,
Cafiska,Go’aan qaadasho,Naxariista aad dadkaaga u naxariisatid waa
qiimeynta aad qiimeyso kolba xaalada dadkaagu ku jiro, waa inaad
ummadaada ma qasho.
Madaxweyne wixii aad balan qaado waa inaad sidiisa u fulisaa oonad ka
bixin balantiisa.
Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Ummadda S/land iyo inta
damiirkoodu nool yahay maaha wax ay liqi-karaan dhacdooyinkii dhacay
sanadkan, 2007ka qaar kale oo badan ayaa leh, sowkan Duqii Dib-u-noqday
sanadkan M/W Rayaale wuxuu muujiyay wixii uu awood lahaa.
Dalkan iyo dadkiisu waxay ka dagaalameen oo halgan dheer u galeen
cadaalad darro ku habsatay oo ay waayeen meel ay xaq-soor la helayaan oy
u dacwoodaan, maantana tiibaa heysata Cadaalad darro baahdaa, Nabad
la’aan bay dhashaa, Dawlad xumina, Dawlad la’aan bay dhashaa dadka iyo
Dalkuba isbedel deg-deg ah ayuu u baahan yahay.
Cadli baa wax doojee wax kaloo ragd deeqoo dadka lagaga eed baxo nin u
dooney heli waa (Gaariye)
Distoorka Qaranka iyo xeerarka ka farcamay waa ka ilaalinaya Xukuumadda,
Golayaasha, Xisbiyadda, shacbiga iyo qaranimadda S/land maxkamadda weynu
leenahaye haddana Ummaddii Cadaalad-Darro ayey ka cabaneysaa, maxaa
meesha ka maqan? Ma waxa meesha ka maqan garsoor caadil ah, Ilaah yaqaan
ah, isku kalsoon oo xaqa iyo baadilka kala saara.
Garsoore Alle ma yaqaan ah oo anni ima yaqaan ah oo M/W Rayaale yaqaan
ihi gar iima galo, Haddii aanu jirin garsoor dhexdhexaad ihi oo u
dhaxeeya xisbiyadda, sidee bay ku dhaceysaa doorasho xor ah oo xalaal
ihi? Baahi –weyn ayaa dadku u qabaan in si deg-deg ah loo helo garsoor
Sinaa, Cadaalad ku dhisan oo madaxbanaan.
Madaxweyne, madaxdii Urur siyaasadeedka Qaran xuquuqdoodii siyaasadda u
soo celi, ha kula tartamaan wax kale oo raali-gelinayaa ma jirto, Halkee
bay kaga taalaa Distoorka Qaranka, UCID, UDUB, KULMIYE, ayaa aj saddexda
xisbi oo weligood jiraya? miyaanay kooto aheyn(Monopoly)? Miyaanay
xad-gudub–ku ahayn xuquuqda muwaadiniinta S/land ee disrtoorka u
damaanad qaaday? Isma qaba karaan Somaliland waa Dimuqraadi iyo saddex
xisbi oo qudha ayaa kooto ku haysanaya saaxada siyaasadda S/land.
Hadii Madaxweyne aanad furin Diiwan-Gelinta Ururo siyaasadeed oo cusub
kana qayb-gala tartanka doorashooyinka Golayaasha Deegaanada Dawladaha
hoose, waxaad jebisay qodobada 22aad, 32aad, iyo xeer No. 14//2000.
taasi oo ah nidaamka keli ah oo loo mari karo cida noqonaysa Saddexda
xisbi ee ku-meel-gaadhka ah oo noqonaya Saddexda xisbi ee ugu
cadbadnaada Somaliland sida ay Ictiraafka beesha caalamka kaga heli
kartaa waa iyadda oo si dhab ah ugu dhaqanta nidaamka Dimuqraadiyadda ay
qaadatay.
Saxaafada iyo Xuquuqda aadamaha:-
Distoorka Qaranku wuxuu si cad u qeexayaa in saxaafada Somaliland tahay
mid-xor ah oo madaxbanaan, waxyaalaha ugu mihiimsanan ee Beesha caalamku
innoogu soo joogsato ay kow ka tahay hanaanka dimuqraadiyadda, habka
asxaabta badan, Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin
xorriyaadka asaasiga ah ee rayi dhiibashada waxay ka wiil yihiin oo u
hadlaan dadweynaha oo wixii warar ah iyo xaaladaha jiray ka haqabtiraan
(Warbaa u gaajo badan), Talaabooyinka ay xukuumadda S/land ku aamusiisay
hayadihii Xuquuqul Aadamaha waxay khatar weyn ku tahay hanaankii
dimuqraadiyadda iyo Aqoonsiga S/land.
Sicir Bararka:-
Dadweynuhu wuxuu maanta ku suganyahay duruufo aad iyo aad u adag, iyadoo
awelba Ummadda reer S/land ay maalinba maalinta ka danbeysa sii
faqriyayeen oy sii kordhaysay baahida iyo saboolnimadu, haddana waxay
aad iyo aad u sii laban- laabantay intii sicir-bararka iyo qiima jabka
Dollarku dhacay, Danyartii waxaa ku habsaday laba dhibaato oo isbarkan ,haddii
aanay xukuumaddu si deg-deg ah wax uga qaban sicir-bararka ku dhacay
maceeshad quutal daruuriga ah iyo qiima-jabka Dollarka, waxay keeni
kartaa kacdoon Dadweyne iyo Nabad-Gelyo Xumo.
Dhaqaalaha:-
Xukuumadu iyadaa dhaqaalaha iska curyaamisay oo Dekedeedii Berbera
xidhay oo is-cunaqaba-taysay, cashuurtii dalkan au ku wadi laheyd si
toos ah ugu wareejisay Boosaaso iyo Djibouti xoolaheenii waxay ka
dhoofeen Djibouti iyo Boosaaso le-yadii ganacsatadu u heysteen dhoofinta
Xoolaha Nool ayaa la yidhi xoolo kama dhoofin kartaan Dekedda Berbera oo
ninka Aljaabiri ayey kooto xooluhu ugu xidhan yihiin –Siyaad-Barre ayaa
arrintaas ka xishooday in xoolaha kooto nin qudha loogu xidho, waxaa
kaloo dalka jiray oynu wada ogeyn shaqo la’aan baahday oo ku keliftay
Dhalinyarta inay si is-miidaamin ah u tahriibaan oo badweynta ku madhaan,
Dhalinyartaasi oo ah u baxii iyo xoogii berito hogaamin lahaa Dadkan,
iyo Dalkan JSL waa naruuro la’aan, waa rajo la’aan wax ay da’yartu U
tahriibayaan ee naftooda u miidaaminayaan waa nasiib darro iyo hogaan
xumo ku habsatay ubuxii Dalka.
Marka xaalado adag ay S/land la soo derseen waxaa inoo caado aheyd In
danta guud iyo difaaca Qaranka meel kaliya looga soo wada jeesto.
Umadda reer Somaliland waxay xukuumadooda ka sugayeen inay u horseedaan
hab nololeed dhalin kara nabad,Cadaalad, Shaqo iyo horumar ay mar uun ku
nastaan,qofka ma horjoogsan karo waxa ay shacbiga reer Somaliland
doonayaan khilaafaadka siyaasadeed laguma xalin karo xadhiga,
Cabudhin,xoog iyo caga-jugleyn Madaxweyne, fadhigaa fadhi kale uga noqo.
» Bulshadeenu Waa Duul
» Daacad iyo Xishood Badan
» Dun Xarriira weeyaan
» Cidna uma darraadaan
» Dar Allay ku dhaqantaa
» Dareen waw dheg-weyn tahay
» Ogow doqonse maahe
» Qofka maamul dalabliyo
» Dabbaal-Joogto Hoosiyo
» Dibindaabyo Uga Maqan
» Deg-deg uma Tilmaamaan
» Nabar kulama Duulaan
» Dibay ugu Muddaystaan
» Dulmigiisu waw Kayd
(Daalacan-Hadraawi)
Waxaan Ummadda reer S/land u rajaynayaa sannadka cusub Nabad, Bash-bash
iyo barwaaqo iyo aqoonsi caalami ah.”
HAPPY NEW YEAR
Prof. Axmed Al-Azhari
“Waxaanu
Ku Heshiinay Sidii Maamulkan Rayaale Loo Bedeli Lahaa Qarankana Loo
Badbaadin Lahaa, Cabsina Kama Qabno Hadii Ururkoodu ….”
Ku-Simaha Gudoomiyaha KULMIYE Eng. Iskeerse |
Hargeysa, January 2, 2008 (Haatuf) – Xisbiga KULMIYE iyo urur
siyaasadeedka QARAN ayaa shirar maalmahan u dambeeyay uga socday xarunta
xisbiga KULMIYE heshiis iskaashi oo ku dhex maray qalinka ku wada duugay
wada jirna ugu samaystay gudi iskaashi oo ay ku magacaabeen badbaado
qaran iyagoo dhinaca kalana isbahaysiga KULMIYE IYO QARAN la sheegay in
ay ka midoobeen aragtida mucaarid iyo nidaamka maamul ee maanta dalka ka
taliya sidii isbadal loogu samayn lahaa isla markaana loogu badali lahaa
doorashooyinka soo socda.
Ku simaha gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Eng. Maxamed Cabdi Aadan Iskeerse
oo la sheegay in uu isagu magacaabay lixda xubnood ee xisbiga KULMIYE
gudidaasi wada jirka ah ka matali doonta oo aanu wax ka weydiinay
shirarkii ay hogaamiyayaasha urur siyaasadeedka QARAN maalmahan ugu
dambeeyay ku lahaayeen xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo iskaashiga
la sheegay inuu dhex maray ururka QARAN ayaa isagu noo xaqiijiyay in
labadooda dhinacba ay ka midoobeen iskaashiga mucaarid isla markaana
iskula meel dhigeen in gudi wada jira oo badbaado qaran ah ay ku wada
dhisteen kulankoodaasi.
Su’aalihii aanu weydiinay gudoomiye Iskeerse iy jawaabihii uu ka
bixiyayna waxay u dhaceen sidan:
S: Shirarkii maalmahan u danbeeyay hogaamiyayaasha ururka QARAN aad ku
wada yeelateen xarunta dhexe ee xisbigiina waxa la sheegay in heshiis
iskaashi oo midowga aragtida mucaarid aad iskula gaadheen idinka iyo
QARAN lana sheegay in qodobo heshiis ah aad qalinka ku wada duugteen
arimahaa maxaa ka jira?
J: Horta kulankaasi anaga iyo ururka QARAN waxaa nagu dhex maray
iskaashi iyo heshiis laba dhinac ah runtiina waxaanu istaraatiijiyad
midaysan ka yeelanay sidii aanu aragtida mucaarid uga midoobi lahayn
gudi wada jir ahna u wada dhisi lahayn.
S: Gudidaasi waxa la sheegay in aad ku magacawdeen gudi badbaado qaran
markaa ma noo sheegi kartaa tirada xubnaha gudida oo la sheegay in aad
xubnaha gudida ka matali doona xisbigiina aad adigu soo magacawday?
J: Runtii waan magacaabay xubnaha gudidaasi ka matali doona xisbiga
KULMIYE waana lix xubnood ururka QARAN na wuu soo magacaabay lixdiisii
xubnood tirada guud ee gudiduna waa 12 xubnood, gudiduna waa gudi
badbaadada qaranka ka shaqayn doonta hawshoodiina way bilaabeen oo way
ku guda jiraan.
S: Waxa la sheegay in gudoomiyaha gudidaasi aad heshiis ku wada gaadheen
in uu noqdo xubin ka socota xisbiga KULMIYE gudoomiye ku xigeenkuna
noqdo ururka QARAN xoghayahana ay gudida dhexdoodu iska dhex doortaan
arimahaasi maxaa ka jira?
J: Xubnaha gudida dhexdooda ayaa iska dhex dooranaya qofka gudoomiyaha
noqonaya iyo qofka gudoomiye ku xigeenka noqonaya iyo xoghayaha guudba
wakhtigan xaadirka ahna iyagaa dooranaya xubnihii hogaaminta balse ma
jirto saami labada dhinac ah oo la iskula qaatay in habkaasi aad
sheegtay loo qaybsaday.
S: Waxa la sheegayaa in hogaamiyayaasha ururka QARAN aad ka wada
hadasheen sidii ay xisbiga KULMIYE ugu soo biiri lahaayeen arimahaasi
maxaa ka jira?
J: Horta waxaanu ka wada hadalnay iskuna raacnay sidii isbadal loogu
samayn lahaa maamulkan madaxweyne rayaale qarankana loo badbaadin lahaa
waxaanu u balan qaadnay wixii sharciyad ay u leeyihiin ururka QARAN in
aanu gacan ku siino sharciyadaas oo u baahan in garsoor madax banaan la
helo balse aanay cadayn Karin maxkamadan sare ee madaxweyne rayaale
xagiisa jirta hadaanu xisbiga KULMIYE nahayna anagu wax cabsi ah kama
qabno hadii ururka QARAN soo baxo waxaanuse aaminsanahay xisbi ahaan in
sharciyada iyo qawaaniinta dalka u dejisan la raaco .
Inkastoo aanay si rasmi ah nuxurka heshiiska KULMIYE iyo Qaran dhex
maray u soo wada bandhigin qodobada heshiiska hadana waxa ilo xog-ogaal
ahi sheegayaan in xisbiga KULMIYE iyo ururka QARAN ay mowqif midaysan ka
gaadheen sidii madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa hab dimuqraadi ah oo
doorasho loogu badali lahaa isla markaana culays loogu saari lahaa sidii
ay doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen iyadoo dhinaca kalana ay tibaaxo
ka agdhaw heshiiskaa KULMIYE iyo QARAN dhex maray ay sheegayaan in
KULMIYE ka balan qaaday sidii sharciyada ururka QARAN ee muranku ka
taagan yahay ay mudanayaasha golaha wakiiladu ee xisbiga KULMIYE ay ka
hawl gali doonaan sidii ururada siyaasada iyo xeerkii axsaabta siyaasada
lagu soo aasaasay ee xeer 14 mugdiga looga saari lahaa.
“Nimanka Uu
Hogaaminayo Rayaale Ee Soo Duuley Laga Aqbali Maayo Inay Kala
Gooyaan Dad Soomaali Ah, Xoogna Ku Qabsadaan”
C/laahi Yuusuf – Madaxweynaha Dawlada Imbagaati |
Baydhabo, January 2, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha dawlada
Imbagaati C/laahi Yuusuf Axmed ayaa shaaca ka qaaday in aanay dawladiisa
iyo qof kasta oo muwaadin reer Somaliya ahiba aqbali doonin in midnimada
Somaliya la kala gooyo, siiba maamulka reer Somaliland laga yeeli doonin
buu yidhi “in ay dad Somaliya oo goboladooda jooga xoog ku qabsadaan”.
Sidaa waxaa ku sheegay C/laahi Yuusuf shir-jaraa’id oo uu maalintii
doraad ku qabtay magaalada Baydhabo, isaga oo wakhtigaasi ka soo laabtay
socdaal uu in muddo ah ku joogay dalka Ingiriiska oo uu xaalad
caafimaad-darro u jiifay cusbitaal ka mid ah cusbitaalada dalkaasi.
Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Baydhabo C/laahi Yuusuf waxa
uu shirkiisaa jaraa’id kaga hadlay arimo door ah oo ay ka mid yihiin
xaaladihiisa caafimaad, arimo la xidhiidha dawladiisa iyo xaalada
magaalada Muqdisho iyo xaalada ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag bari
oo in muddo ahba xiisad iyo muran u dhexeeya labada maamul ee Puntland
iyo Somaliland ka taagnaa, balse xiisadaasi ay dhowaan soo afjarantay,
kadib markii maamulka Somaliland gacanta ku dhigeen goboladaasi intii
badnayd maamulkooda hoos keeneen, tiiyoon dhibaato iyo dagaal culus kala
kulmin.
Hase yeeshee C/laahi Yuusuf ka hadalka shirkiisan jaraa’id ee gobolada
Sool iyo Sanaag bari ayaa ah markii ugu horeysay ee uu ka hadlo
mawqifkiisa ku waajahan goboladan tan iyo intii uu maamulka Somaliland
la wareegay gacan ku haynta goboladaasi muddo dhawr bilood laga joog,
waxaanu C/laahi Yuusuf sheegay in aanu maamulkiisa iyo cida taageertaaba
aqbali doonin in maamulka Madaxweyne Rayaale (Somaliland) qabsado
gobolada Sool iyo bariga Sanaag, isl amarkaana aan la aqbali doonin in
dhulka Somalida la kala googooyo.
“Dawlada federaalka iyo qof kasta oo muwaadin ahiba midna yeeli maayo in
Somaliya la kala googooyo, nimanka soo duuley ee uu hogaaminayo
Madaxweyne Rayaale laga aqbali maayo in ay dalka kala gooyaan, lagana
aqbali maayo in dad Somali ah oo goboladooda jooga inay xoog ku
qabsadaan, dabadeedna iyaga oo raba (Somaliland) in ay xoog ku go’aan in
ay la go’aan gobolada Sool iyo Snaaag laga yeeli maayo” ayuu yidhi C/laahi
Yuusuf, isaga oo intaas ku daray “Waxaan rajaynaynaa in maamulka
Somaliland ay ciidamadooda kala baxaan oo ay ku eekaadaan halkooda”.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf mar uu ka hadlayay xaaladiisa caafimaad waxa
uu sheegay in uu aad iyo aad u caafimaad qabo, waxaanu beeniyey warar uu
ku sheegay kutidhi kuteen oo sheegayay in uu kooma galay intii uu ku
sugnaa mid ka mid ah cusbitaalada dalka Ingiriiska oo uu muddo dhawr
todobaad ah u jiifay xanuun soo waajahay.
Sidoo kale, C/laahi Yuusuf mar uu ka hadlay xukuumada laga sugayo in
dhowaan soo magacaabo ra’iisal wasaare Nuur Cade waxa uu sheegay in uu
soo dhoweynayo xukuumada 18-ka xubnood ka kooban, isaga oo ku rajeeyey
inay wax ka bedeli doonaan xaalada dalka.
Ugu dambeyna Madaxweyne C/laahi Yuusuf shirkiisaas jaraa’id ku
wehelineyey Sh. Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo ra’iisal wasaare
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade).
| Dhimashada
Qalalaasaha Kenya Oo Gaadhay 251 Qof |
Nairobi, January 2 2008 (Haatuf) - Ugu yaraan maydadka 66 qof ayaa laga
helay Kenya ka dib markii ay iska horimaadyo dhexmareen bileyska iyo
qabaa’il dagaalamaya ayay yidhaahdeen bileysku, taasi oo ka dhigaysa
dhimashada dadka reer Kenya ee dhintay intii doorashada ka dambaysay 251
qof.
48 qof maydadkooda, oo ay intooda badani yihiin dhaawacyo rasaas cusub
ayaa la keenay Morgue oo ku taala galbeedka Kenya ee magaalada Kisumu.
Sidaana waxa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP qof ka qayb galay
aaskooda Salaasadii.
“Waxay keeneen maydadka 48 qof oo ay ku jiraan saddex carruur ahi, afar
iyo afartan ka mid ah ayaa dhaawacyada rasaasta ku yaalaa ay ahaayeen
kuwo cusub, halka ay qaarkalena muddo ka soo wareegtay” ayuu yidhi,
qofka ka qayb galay aaskoodu.
In ka badan 53 qof ayaa ku dhintay labadii maalmood ee u dambeeyay
magaalada Kisumu oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn magaaladda Kenya,
isla markaana ah magaalo oo awood badan ku leeyahay ninka
madaxweynenimada ku ad-adag ee Kenya Raila Odinga.
“Guud ahaan tirada dhimashada ee shalay dhacday waxay ahayd 101 qof oo
maydadkoodu yaalaan” ayuu yidhi, ninka ka qayb galay aasku, waxaanu
sheegay inay suurta gal tahay in dhibanayaal cusub-na la helo.
“Meel aan sidaa uga fogayn Kisumu ayaa laga helay maydadka saddex qof
maydkooda oo aan la soo ururin” sidaa waxa yidhi, John Otieno oo ka mid
ah dadka magaalada degan oo u waramayay weriyaha halkaasi uga soo warama
AFP.
“Bileysku waxay u baxeen inay meelahaasi dadka ku soo laayeen habeen
badhkii. Waxaanay dadka u tooganayeen si aan kala sooc lahayn” ayuu ku
daray.
Ugu yaraan 18 qof oo kale ayaa lagu dilay habeen badhkii meel u dhaw
magaalada Eldoret iyo agagaaraha ku wareegsan ayay yidhaahdeen bileysku.
“Todoba qof ayaa lagu dilay deegaanka Timboroa habeenimadii, ka dib
markii shacbiga lagu weeraray qoriga AK-47 ah oo uu ku furay nin, taasi
oo uu ku dilay lix oo ka mid ah saaxiibadii,” ayay bileysku
warsaxaafadeed ku yidhaahdeen.
Laakiin way ka gaabsadeen inay war intaasi dhaafsan bixiyaan.
Mid ka mid ah weriyayayaasha AFP-da ee magaalada ayaa isaguna arkay
maydka 11 qof oo daadsan dariiqyada Langas Estate, kuwaasi oo ay rasaas
cusubi ku dhacday iyo kuwo ay hore ugu dhacdayba.
Wararkii ugu dambeeyayna waxay sheegayaan in guud ahaan dhimashada
rabshadaha dalka Kenya ka taagani ay tahay 251, kuwaasi oo la dilay
intii doorashada ka dambaysay ee ay rabshaduhu dalkaasi ka qarxeen.
Dawladda Maraykanka oo markii hore hambalyaysay ayaa markii dambe la
noqotay.
Taliyaha bileyska Kenya ee magaalada Kisumu ayaa ka gaabsaday inuu ka
warbixiyo tirada dhimashada, wuxuuse sheegay inay bileysku rasaas rideen
si ay uga hortagaan kuwo doonayay inay ganacsiga fadhataystaan.
Sarkaalka u qaabilsan Xuquuqda Aadamaha Louise Barbour ayaa dawladda
Kenya ugu baaqay inay joojiso meel ka dhacyada ay bileysku samaynayaan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ugu baaqay
hay’adaha nabadgelyada ee Kenya inay joojiyaan falalka arxan darrada ah,
isla markaana ay dadku joojiyaan rabshadaha, isna dejiyaan, samirna
yeeshaan, ixtiraamaana sharciga” ayuu ku yidhi warsaxaafadeed.
Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday
Kenya inay guddi madax banaan u saaraan dilalka shacabka loo geystay.
“Kuwii ka masuulka ahaa meel ka dhacyada xuquuqda aadamaha waa in
cadaaladda la horkeenaa si aan dibu dhac lahayn” ayay Amnesty
International Warsaxaafadeedkeeda ku tidhi.
| ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Xeerkan Cusubi Wax Ma Ka Beddeli Doonaa Musuq-Maasuqa Ay
Xukuumadda Rayaale Faraha Kula Jirto? |
Maalintii shalay ayay ahayd
markii warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu caddeeyey
in madaxweynu Rayaale uu qalinka ku duuqey xeerka ka hortaga
musuq-maasuqa, xeersoo la sheegay in uu sida ku dhaqan galay marhaddii
uu golaha wakiiladda iyo golaha wasiirada soo maray wuxuna madaxweynuhu
u cuskaday qodobka 71-aad ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, xeerkan
haddii sidiisa loogu dhaqmo wuxu wax ka tarayaa badbaadinta hantida
Qaranka, wuxuna qabayaa cid kasta oo ku kacda fal musuq-maasuq waxase
isweydiin leh su’aasha ah xeerkani wax ma ka beddelo doonaa
musuq-maasuqa ay faraha kula jiraan Rayaale iyo xukuumaddiisu?
Sanad ka hor ayay ahayd markii golaha wakiiladu ay ansixiyeen xeerka la
dagaalanka musuq-maasuqa, xeerkan oo ahaa mid muhiima lana filayey in uu
xakamayn-doono xukuumadda madaxweyne Rayaale oo faraha kula jirta
musuq-maasuq, waxa la fillayey in xeerkan madaxweynuhu si deg deg ah u
meel marin doono markii ay golaha wakiiladu ansixiyeen. Nasiib-darro
taasi ma ay dhicin ee muddo dheer ayuu madaxweyne Rayaale xeerkan dhabta
ku haystey, taasina waxay ahayd mid muujinaysa sida madaxweyne Rayaale u
taageersanaa in uu sii waraaro musuq-maasuqa baahey ee ka jira
xukuumaddiisa. Runtii daah ma saarna sida musuq-maasuqu u curyaamiyey
haruumarkii laga filayey xukuumadda Rayaale, waxa fadhiid noqday
hay’adihii laga filayey shoqo abuurista iyo kor u qaadista adeegyada
bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Si kastaba ha’ahaatee mas’uuliyadda musuq-maasuq waxa dhaliisheeda leh
madaxweyne Rayaale oo ummaddu ku soo dooratay hab dumuqraadiya isaga oo
ku dhaartay in uu dalka iyo dadka ku dhaqayo sinaan iyo caddaalad.
Waxaynu wada ognahay in xilligii madaxweyne Rayaale loo caleemo saaray
jagada madaxweynaha uu ballan qaaday in uu wax ka qabanayo musuq-maasuqa,
balse markii uu guulaystey ayuu noqtay shaqsi difaaca musuq-maasuqa,
marar badan oo warbaahinta madaxa banaani weydiisey sababta uu wax uga
waban waayey musuq-maasuqa dalka curyaamiyey wuu dafiray wuxuna ku
dooday in aan musuq-maasuq dalka ka jirin.
Hadaba inkastoo madaxweyne Rayaale qalinka ku duugey dhaqan galka xeerka
ka hortaga ku tagri falka hantida Qaranka hadana waxa lays weydiin karaa
su’aalo badan oo ay ka mid yihiin, xeerkan cusubi ma xakaymayn doonaa
musuq-maasuqa ay xukuumada Rayaale faraha kula jirto? Waxa kaloo lays
weydiin karaa su’aasha ah maxaa xeerkan xlligan ku soo beegay iyada oo
ay doorashadii ka hadhsantahay muddo bila ah?
Haddii aan si kooban uga jawaabo su’aalan runtii xeerkani waxba ka
beddelimaayo musuq-maasuqa ka jira xukuumadda Rayaale, waxase suura gal
ah in xeerkan madaxweyne Rayaale arrimo gaara u adeegsado, isaga si uu
shaqsiyaad uu gaar u diidan yahay shaqada ugaga eryo ummaddana ugu
qanciyo.
Waxa kaloo xeerkan laga qaadan karaa ama laga fahmi karaa arrin
madaxweyne Rayaale shacabka taageero kaga doonayo. Dankastaba ha
lahaadee ansixinta xeerkane waxa hubaal ah in aan xeerkani aanu noqonayn
mid sidiisa loogu dhaqmo waxana markasta caqabad ku ah madaxweyne
Rayaale iyo xukuumaddiisa oo si khayr mas’uulimo ah ugu talax degey
hantidii ummadda, waxabana xeerkani kama beddeli doono musuq-maasuqa
maanta dalka ka jira.
Hadaba waxa nasiib-darro in la arki waayo masuul musuq-maasuq loo xidhay
ama xilliisii ku waayey, waxan ku soo gebo-gebaynayaa xeerkan cusubi
waxba kama beddeli-doono musuq maasuqa xukuumadda Rayaa;e ka dhex jire.
Cabdillaahi Axmed Caarshe. Hargeysa
Top
Aqoonyahannada
Somaliland Iyo Goorta Ay Ka Qaybgeli Karaan Horumarinta Dalka
Axmed Iid Aadan, Hargeysa |
Habeen dhexdaas ahayd ayaa waxaa telefishanka weyn ee Somaliland (SLTV)
laga sii daayay barnaamij lagaga hadlayey dhallinyarta reer Somaliland
ee wax baratay iyo doorka ay ku yeelan karaan waxtarka iyo houmarka
dalkeenna. Waxa uu ahaa barnaamij dood ah oo runtii aad iyo aad iila
qiima badnaa. Waxaan u qaatay in doodo jaadkan oo kale ah oo la helaa ay
wax weyn ka tari doonaan dadaalka ay dadkeennu ugu jiraan in la
meelmariyo dhaqan aqooneed oo shaqeeya iyo in wax la qabsado, oo nolosha
hore loo wado.
Had iyo jeer maskaxda dadku waxay qabataa wixii lagu celceliyo, oo
tusaale ahaan, haddii mar kasta arrin laga hadlo, sida sigaarkii in
badan basaska dadweynuhu raacaan lagu dhex qiijin jiray joojintiisa oo
kale, waxa ugu dambaynta la arkaa arrintii oo sidii la doonayay loo
gartay, lana joojiyey. Maanta ma jirto maalin ay dadkeennu uga baahi
badan yihiin in loo sheego dibudhaca ka dhalan kara caddaalad darrada,
qaraabakiilka iyo in dad aan aqoon lahayn la tubo xafiisyada iyo goob
kasta oo ay shaqo ka socoto iyada oo ay joogaan dadkeennii kale ee
aqoonta lahaa; kuwaas oo wax weyn inoo qaban lahaa haddii aynu
aqoontooda ama xirfadahooda ka faa’iidaysan lahayn.
Waxba yaanan ararta ku sii dheeraane, aan u galo dulucda qoraalkan hadda
ina hor yaalla, taas oo ah mid igu dhalatay ka dib markii aan daawaday/dhegeystay
barnaamijkaas isaga ah ee aan kor ku soo sheegay. Waxase aan ka
horraysiinayaa ujeeddada qoraalka in aynu xasuusta ku hayno in aanay
arrintu ku koobnayn oo keliya siyaasad, ee ay la xidhiidho dhinacyada
nolosha oo idil. In aynu afeeftaas yar hadalka ka horreysiinno waxa
keenay in dadkeennu mar kasta oo ay maqlaan aqoon iyo dad wax bartay ay
u qaataan in loo jeedo in siyaasadda oo keliya la doonayo in la galo ama
xillal la raadinayo. Runtii taas waxa ka muhiimsan ujeeddooyinka
horumarineed iyo danaha wanaagsan ee aynu rabno in ay inoogu socdaan
sida aynu doonayno.
Had iyo jeer waxaynu maqalnaa iyada oo laga hadlayo waxsoosaarka (khayraadka)
dhulka, hase ahaato ee inta badan lagama hadlo sidii waxtar looga dhalin
lahaa kartiyaha iyo aqoonta ku kaydsan qaybta ugu mudan dadkeenna –
dhallinyarta iyo dadka wax bartay ee arrimaha nolosha garansan (looma
jeedo qof wax dhigtay, hase yeesho ee aan togagga nolosha iyo aqoonta
akhris, waayo’aragnimo iyo wixii la mid ah ku fahmin).
Jeerkan (waqtigan) la joogo bulshooyinka wax gartay, nadaamka
qarannimadana ka midho-dhaliyey dadka aqoonta iyo xirfadaha kala duwan
ku hubaysan waxay u arkaan qaybta ugu muhiimsan bulshada, ee ay
la’aanteed wax waliba qabyo noqonayaan. Dalalka qaarkood waxaba maanta
ka jira wasaarado loo qoondeeyay miisaaniyad qorshaysan ama hay’ado u
gaar ah dadkaas, oo waxtarkooda casrigan maanta ah loo yaqaanno
“waxsoosaarka dadka”(Human Resources).
Mar kasta oo horumar iyo horukac ummadeed laga hadlayo dadyowga inaga
aqoonta badani waxay xeeriyaan in lagu kala baxo aqoon iyo dadaal.
Laakiin innaga waxa nafcigii inaga qaaday dhaqan-hoosaad la iska
qabatimay, oo inta badan laba arrimood ku caan ah. Labadaa arrimood
midda hore waa habka ay bulshadu mar isugu timaaddo, mar kalena ku kala
irdhowdo oo ah habka tolaysiga. Arrinta kalena waa in aan la qiimayn
meel walba cidda ku habboon, ee meel kastaba la isla taago qof aan waxba
garanayn oo lagu doodo: “Hebelow ninkan wasaarad hebla ama halkaa noo
gee, wax ha noo keenee!” Waxyaalahaasi waxay ka mid yihiin waxyaalaha
caddaaladdii ay ahayd in aynu ilaashanno tumaatida ku noqday,
waxqabadkeenniina hoos u dhigay.
“Ninkii af leh ayaa abaar ka baxa” murtida ah ayaa mararka qaarkood la
soo qaataa. Aniguna waxaan odhan lahaa kuna dari lahaa: “Ciddii dhaqanka
qarannimada iyo qiimaha ay aqoontu leedahay garata uun baa maanta mugdi
ka bixi karta.” In aynu sidaa nidhaahnaa waa gar, waayo maanta adduunka
la isuma tudho, oo bulshadii danteeda garan weyda quwado kale oo ka xoog
roon ayaa warjeefaya, xaqeeda weydaarinaya, kabahana la dulmaraya!
Maqaalkani ma aha kii quwado kale ama wax la mid ah ka hadli lahaa, hase
yeeshee waxa habboon inta aynaan halkan ka gudbin in aynu caddayno in
aynu waxyaalaha aynu soo sheegnay oo dhan jiritaankooda wada qirayno, oo
aan la isku diiddanayn. “Haddaba haddii ay arrini sidaas tahay maxaa wax
looga qaban waayey?” ayey dadka qaarkood is weydiin karaan. Arrimo
dhawra oo in wax laga qabto u baahnaa markii ay dadkeennu ku
guuldarraysteen ayey ku maahmaaheen “Caado la gooyaa cadho Alle ayey
leedahay”! Laakiin kaasi waa marmarsiinyo aan macna lahayn, isla
markaana aan inaga soconayn.
Qoraa weyn oo Shiv khera la yidhaahdo ayaa waxa uu qoray hadal uu
macnihiisu u dhowaa: “In xalka la arko lana garto oo haddana lagu
dhaqaaqi waayaa waa nasiibdarro weyn.” Waa run. Iska indha-tiridda
dhibaatooyinku ma baabbi’iso jiritaankooda, ee waa ay sii badisaa.
Haddaba dhallinyarta wax baratay ama dadka kale ee aqoonta iyo hibada
lehi waxa ay wax tari karaan oo keliya marka uu dadkoodu dhaqan-hoosaad
kasta oo carqalad ah dhabaatadiisa garto, dhaqanka qarannimona u
bislaado. Waynu is hafarnaa ee ilaa maanta cid xeerarka ama sharciyada
innoo yaal u bisil oo dhaqan caddaalad ah ku dhiirranaysaa ma jirto.
Laakiin, haddana wax badan ayeynu u guulaysannay, oo waxa la inooga
baahan yahay in aynu dadaalka halkaa ka sii wadno, si aynu u gaadhno
guulaha waaweyn ee aynu maanka ku hayno.
Haddii qiimaynta guud iyo caddaaladda loo bislaado aqoontu wax bay tari
kartaa, waayo waxa yaraanaya leexleexadka iyo wax kasta oo aan
daacadnimo ku salaysnayn. Waxa jira saddex erey oo ay aqoonyahannada
maaddada maamulku ku tilmaameen “3-da E ee Maamulka” (3 E’th of
Management). Saddexdaa erey waxay kala yihiin: “Waxbarasho” (Education),
“Tamar Badan” (Excessive Energy) iyo “Waayo’aragnimo” (Experience).
Waxay hoosta ku wataan tayooyin iyo kartiyo horumar kasta iyo waxqabad
kasta oo la doonayo in lagu tallaabsado wax weyn ka tari kara. Laakiin
waxay ka shaqeeyaan meelaha ay cilmiga iyo dhaqammada qarannimo ka
jiraan, ee kama shaqayn karaan meelaha ay dhaqan-hoosaadyada dambeeyaa
ka jiraan. Dalkeenna JSL, waa dal ay ka jiraan qarannimo fiican iyo
dimuqraaddiyad xoogaysanaysaa, sidaa darteed dhaqan aqooneed iyo
falsafad kasta oo horumarineed ba waa ay ka shaqayn karaan, hase yeeshee
waxa ay ku xidhan yihiin hadba inta uu le’egaado dadaalkeennu.
Axmed Iid Aadan. Top
|