|
“Kenya Kumaanu Soo Baranin Qaabka Doorashada Loo Boobo, Waxaanuse Ka
Qaadanaynaa Intii Wanaagsanayd, Komishankuna Ismuu Khilaafin Ee Nin Baa
Khilaafay” Maxay Iskaga Egyihiin Doorashooyinkii Madaxtinnimada
Somaliland Iyo Kuwa Kenya Ka Dhacay, Maxayse Ku Kala Duwanyihiin?
Taliyaha Bileyska Awdal Oo Ka Digay Khasaaraha Ka Iman
Kara Lacagta Birta Itoobiya Ee Foorjeriga Ah Ee Boorama Ku soo Badanaysa
Iyo Boobka Biraha Iskaraabka Ah
Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Dawladda Imbagathi Oo Diyaarad Qudha U
Wada Raacay London
“Xeerka Lagu Ciqaabayo Saxaafadda Madaxa Banaan Waa Mid Xadgudub Ku Ah..."
Kayse Cali Geedi
Qaar Ka Mid Ah Haweenka Ururada Sanaag Oo Ka Dayriyay
Xaaladda Dhaqan Dhaqaale Ee Gobolkooda
Boqolaal Hooyooyin Danyar Gargaar Doon
Ah Oo Iskugu Soo Ururay Wasaaradda Dib U Dejinta
Dr. Gaboose Oo Hadalo Duur-Xul Ah La Beegsaday Ahmed Siilaanyo, Muuse
Biixi Iyo Ahmed Xuseen Ciise
Ururka Dhalinyarada Midnimo Oo Casho Ku Kulmiyay Siyaasiyiin Door Ah Iyo
Weedhihii La Isku Dhaafsaday
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Maxaad Adduunyada
Ugu Jeceshahay?
Cilmi-baadhid......Ku Saabsan Hooyada
Da'da Weyn Ku Dhasha
Madaxtooyada Ma Waxa Laga Furay
Khayriyo Madaxweynuhu Kula Hadlo Suxufiyiinta Oo Kaliya?
Axmaqnimadii Kibaki Mid Ka Xun Ayaa
Dhacaysa, Haddaan Mucaaridku Lix Qoddob Degdeg U Sixin
|
|
| “Kenya Kumaanu Soo Baranin Qaabka Doorashada Loo Boobo, Waxaanuse Ka
Qaadanaynaa Intii Wanaagsanayd, Komishankuna Ismuu Khilaafin Ee Nin Baa
Khilaafay” |
Weftigii Komishanka Doorashooyinka Iyo Saddexda Xisbi Qaran Ee
Goob-Joogayaasha Ka Ahaa Doorashooyinka Kenya Oo Ka Warbixiyay Wixii Ay
La Soo Kulmeen
Hargeysa January 6, 2008 (Haatuf) – Weftigii Komishanka Doorashooyinka
iyo xubnihii ka socday saddexda xisbi qaran ee goob-joogayaasha ka ahaa
doorashooyinkii Madaxtooyada, golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka ee
dhawaan ka dhacay dalka Kenya ayaa ka warbixiyey qaabkii ay
doorashooyinkaasi u dhaceen iyo khibradihii ay ka soo faa’iidaysteen.
Komishanka doorashooyinka iyo xubnaha saddexda xisbi waxay sidaasi ku
sheegeen shir-jaraa’id oo ay shalay wadajir ugu qabteen xarunta
komishanka doorashooyinka qaranka, shirkaas oo uu goob-joog ka ahaa
gudoomiyaha komishanka doorashooyinku Maxamed Yusuuf Axmed, oo isagu
hadal hordhac ah oo uu shirkaasi ka soo jeediyey ku sheegay in xubnaha
weftiga komishanka iyo saddexda xisbi ka warami doonaan waxyaalihii ay
kala soo kulmeen doorashooyinkii dalka Kenya ka dhacay.
Gudoomiye ku xigeenka komishanka Xirsi Cali X Xasan oo isagu ugu horayn
shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa hadalkiisa ku ilaabay “Weftigayagu
waxa uu ka koobnaa afar xubnood oo komishanka ah iyo saddex xubnood oo
xisbiyada ka socday, waxaa nalagu casuumay inaanu goob-joogeyaal ka
noqono doorashooyinkii 27kii December 2007 dalka Kenya ka dhacay, runtii
waxanu uga mahad celinaynaa komishanka doorashooyinka sidii fiisooyinka
casuumada ah noogu soo direen, warbixintana noo siiyeen, markii aanu
xarunta guud ee komishanka dalka Kenya gaadhnay, waxa nala siiyey
aqoonsiyadii goobjoognimo, waxaanu isku qaybinay laba kooxood oo u kala
baxay waqooyiga Kenya ee dhinaca Masayda iyo koox u baxday gobolka
woqooyi bari ee Soomaalidu degto sida Gaarisa iyo Laag-dheere, runtii
doorashadu waxay ku bilaabantay jawi degan ilaa 100-km ayaanu deegaanada
Miyaga ugu baxnay, markii gabalku dhacayna waxa lagu soo ururay goobihii
xarunta komishanka ee woqooyiga iyo Gaarisa-ba, waxaana si dhakhso ah
loo yeedhinayay sanduuq kasta codka ku jira, iyadoo Fax-na loogu dirayay
xarunta guud ee komishanka, saddexdii habeenimo ayaanu ka soo rawaxnay
iyadoo natiijadii sidii u socoto.
Subaxnimadii markii aanu ku soo kalahnay 9:00 ilaa 10:00 subaxnimo ayaa
lagu dhawaaqay doorashadii ka soo baxday gobolka, saddexda doorashana
hal mar baa la wada qabtaa, xildhibaan kastaana codka uu gobolkiisa ka
helay waa lagu dhawaaqaa, natiijada doorashada madaxweynahana waxa lala
sugayaa in xarunta guud loo qaado, markii xildhibaanada badankoodu soo
baxeena waxaanu u ambabaxnay xaruntii guud ee caasimadda, markii aanu
tagnay waxa la yidhi 19 goobood ayaa dhiman oo berito ayaa natiijada
lagu dhawaaqayaa, maalintii dambana waa lagu dhawaaqay. Runtii
doorashadu waxay ku bilaabantay jawi degan waxayse ku dhamaatay jawi
qasan oo la kala shakiyey, annagu waxanu ka faa’iidaysanaynaa waxa
khaldamay iyo waxa saxmay inaanu aqoon ka korodhsano si aanu khaladkeena
uga foojignaano, waxaananu ka soo faa’iidaysanay masuuliyada komishanka
doorashooyinka saaran inay ahayd ta sababtay geeridii halkaa ka dhacday
ee boqolaalka qof ku dhinteen haday halkan ka dhacdana ay tahay cashar u
kuu yaal, haddii mushkiladaasi kugu timaadana ay geeri iyo burburba
keenayso. Annagu komishan ahaan waxanu la kulanay qoladii EU-da waanu
kala hadalay arrinkii badhjadka waanay nooga soo dhamaatay wixii
warbixin ah ee ku saabsan doorashooyinku qaabkay u dhaceen iyo
waajibaadka goob-joognimada naga saarana waxaanu marin doonaa dariiqa
sharciga, xubnaha xisbiyaduna waxay raaceen weftigii IRI oo uu
hogaaminayay Maraykanku”.
C/llaahi Siciid Dheere oo isaguna ahaa wakiilka xisbiga UCID oo halkaas
ka hadlayna waxa uu yidhi “ Weftigayaga asxaabtu waxanu dalka ka
ambabaxnay 24 dec annagoo ka mid ahayn goob-joogayaasha asxaabta ee lagu
casuumay waxa noo suurto gashay in qoladayadii asxaabtu inaanu la kulano
wakiilka dalka Maraykanka u fadhiya Nairobi waxanu uga waranay sidii
diiwaan gelinta iyo horumarka ay gacan nooga siin lahaayeen, intii
runtiina safiirku waxyaalo badan ayuu naga balan qaaday waxanu noo
sheegay inuu dalka booqasho ku iman doono. Doorashooyinkii Kenya waxaanu
ka soo baranay qaabka saddexda doorasho loo wada qaban karo isagoo
qofkuna saddexdiisa cod uu saddex sanduuq ku kala ridayo, waxa kale oo
aanu soo baranay qaabka doorashooyinka loo midayn karo, khaladkuna
inooga yaraan karo, gobolkii woqooyiga bari ee aanu goob-joogayaasha ka
ahayn oo Soomaalidu degto si wanaagsan baa lanoogu soo dhoweeyay.”
Xuseen Axmed Caydiid oo ah wakiilka xisbiga Kulmiye ka socday ayaa
isaguna yidhi “Kaadhkii wadaninimada iyo kii cod bixinta sida uu qofku
ugu kala codaynayo inaanu soo barano ayaanu uga baahnayn, qofka
magaciisa goobta laga waayo waxay ugu talo galeen buug la yidhaahdo
Buugga Diiwaangelinta ee Madow (Black register) oo ah liiskii ugu
dambeeyay ee goobta laga qoray ninka buuggaa laga waayaa waxa uu
noqonayaa qofkaan codkiisa dhiiban karin oo diiwaan gashanayn.”
Cumar Jaamac Faarax oo isaguna ahaa wakiilka xisbiga UDUB ayaa isaguna
yidhi “Horta markii aanu soo noqonay waxaanu dalka ugu nimid iyadoo la
leeyahay komishankii iyo xisbiyadii waxay soo arkeen sida doorashooyinka
loo boobo, annagu umaanu tegin Kenya sida waxa loo kharibo ee
doorasooyinka loo boobo, waxaanuse u tagnay inaanu inta wanaagsan ka soo
qaadano inta xun-na aanu ka foojignaano, waxanu ka soo baranay kana soo
qaadanay intii wanaagsanayd”.
Intaa ka dib waxa halkaa lagu weydiiyey komishanka iyo xisbiyadaba
su’aalo iyagoo ka jawaabayana waxay yidhaahdeen:
S – Wakhtigii diiwaan gelintu way soo koobmaysaa waxaanay wararku
sheegayaan in 1m 5 milyankii aad sheegtay markaad baxaysay aanay weli
account-kiina ku soo dhicin goormaa diiwaan gelinta la qabanayaa mar
hadaan lacagtiiba diyaar ahayn?
J – Lacagta xilkeedu annaguu ma saaran yahay waxaananu haysanaa
foojarkeedii baanka la noogu shubay, waxaan jecelahay inay saxaafaddu ka
xishooto wixii aanu nidhi annagaa hayna, in cid kale tidhaahdana ma
hayno.
S – Muddadii hawsha diiwaan gelinta oo ay ahayd inay bilaabanto Nov 2007
ilaa hadda wax hawl gala kamaydaan samayn waxaana la sheegayaa in bisha
3aad aad damacsan tihiin inaad ku dhawaaqdaan, taas oo 1-da June u
cayinteen qabsoomida doorashooyinka dawladaha hoose, iyadoo xeerkuna
tilmaamayo muddo lix bilood ka hor doorashada in diiwan gelintu
qabsoonto, markaa ma waxaad leedihiin diiwaan gelinta muddo laba bilooda
ayuu ku dhamaystirmayaa?
J – Xeerka diiwaan gelintu ma sheegayo muddo 6-bilooda wuxuuse sheegayaa
ugu yaraan hal bil ugu badnaana saddex bilood ayaa lagu qaban karaa
diiwaan gelinta, waxaanu ku dhaqmi doonaa muddada xeerku jideeyey.
S – Cumarow xisbigiina UDUB ma ka balan qaadaysaa inaanu ku dhaqmin sida
dawladda Kenya u musuqmaasuqday, codadkii doorashada oo arrimahaasi oo
kale dalkeena ka dhicin?
J: Xisbigayagu hormood buu ka yahay in doorashooyin dimuquraadiyada ahi
dalka ka dhacaan, saddexdii doorasho ee dalka ka soo dhacayna si nadiifa
ayay u dhaceen, haddana waynaga go’an tahay in doorasho xalaala oo
nabadgelyo ahi ay dalka ka dhacdo, oo si cad loo kala qaadanayo codkeeda.
| Maxay Iskaga Egyihiin Doorashooyinkii Madaxtinnimada
Somaliland Iyo Kuwa Kenya Ka Dhacay, Maxayse Ku Kala Duwanyihiin? |
Faallo - Maxamed Cumar, Boorama
Guusha, guuldarada, colka iyo nabadda, baahida iyo barwaaqada,
caafimaadka iyo xanuunada iyo arrimo kale oo badaniba waxay inta badan
ka yimaaddaan xagga Illaahay. Dhinaca kale waxad mooddaa in wax kasta oo
sababta Illaahay ku dhacda haddana bani aadamku sabab u sameeyo isna
weydiiyaan waxa keenay, waxa dhacay. Sidaas oo ay tahayna tan Illaahay
laguma daayo wax kasta oo dhacee, waxa la isku dayaa inaanay waxa dhacay
maantu berri dhicin.
Reer Somaliland iyo guud ahaan dalalka Afrika, Aasiya iyo Yurubba waxa
maanta wararkooda ku jira dhibaato ka dhalatay doorashooyin lagu
doorranayey ninka xukumi doona dalka Kenya shanta sannadood ee soo
socota.
Kursi jacaylku waa caado ay iska leeyihiin maamulayaasha dalalka Afrika
ilaa gumaysigii, halkaas oo ninka xukunka mar qabsadaa laga furfuri
karin ilaa uu ku waayo naftiisa, maalkiisa, qaraabadiisa, iyo dalkiisaba.
Waxa ka dhacay dalka Kiiniya ee lagu tirin jiray dalalka Afrika ugu
horreeyey dhinaca dimuqraadiyadda waxa uu yahay uun dariiq la
caadaysatay oo wakhtigan ka dhacay, maadaama madaxweynaha loogu
dhawaaqay mansabka madaxweynenimadu uu ilawsan yahay in la soo dhaafay
wakhtigii cabsida iyo diktaatooriyadda oo uu dhamaaday. Ilaa dhawr iyo
lixdankii ayuu ka tirsanaa maamulayaasha dalka Kiiniya maanta oo ay
afartan sano ku dhawaad ka soo wareegtayna waxa uu weli doonayaa inuu
sii fadhiyo.
Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxay soo martay doorashooyin u eg
kuwan maanta ka dhacay dalka Kiiniya ee dunidu hadal hayso, waxa ka
dhacay beentii guddiga doorashooyinku ka sheegeen xaqii mucaaradku kula
wareegi lahaa maamulka dalkaasi, oo ay markii dambe qirteen inuu khalad
dhacay ama lagu khasbay sheegista go'aankaasi.
Sidii ay u dhaceen, iyo sidii loo maamulay Doorashooyinkaa ka dhacay
Somaliland 2003dii, ee kursiga dalkan ugu sareeya u dhiibay Madaxweyne
Rayaale, ayaa waxay shicibka reer Somaliland soo xusuusisay arrimaha ka
dhacaya dalka Kiiniya ee galaaftay nolosha boqollaalka qof, isla
markaana barakiciyey kumaankumka qof ee codkoodii u dhiibtay siday uga
badbaadaan dulmiga, eexda, musuqa, caddaalad xumada iyo faqriga.
Arrimaha daweynaha reer Somaliland ku kallifay inay si aad ah u
dhegeystaan wararka dalka kiiniya, ee aanay hore isu aqoon reer
Somaliland, marka laga reebo wasiirka Maaliyadda Cawil oo haatan lagu
daweynayo Cusbitaalada Kiinya, ayaa waxa ugu horreeya sida ay
dareemayaan xaaladdii doorashadii soo martay Somaliland shan sano ku
dhawaad ka hor iyo xaaladda maanta Kiiniya ka taagan.
Labadaa doorasho ee Somaliland iyo tan Kiiniya, ayaa dad badani
dareemayaan isku ekaanshaha qaabkii loo maamulay iyo kala duwananshaha
natiijooyinka ka soo baxay.
Labada dalba waxa ka tartamayey saddex xisbi, saddex musharrax, laba
guddi dooorasho oo isku mid ah kuna xidhnaa dawladda, laba maxkamadood
oo laga aamin baxay, iyo ciidammo u adeegaya xukuumadaha oo cabudhinta
shicibka u heellan. Waxa intaa dheer natiijooyin isku dhawdhaw oo dareen
geliyey labada shicib, iyo ergooyin kala duwan oo doorashadii Somaliland
ay ergeeyeen wadaaddada diinta muslinka ah, halka Kiiniyana ay ka
ergeynayaan wadaaddada diinta masiixiga ah ee Desmod Tutu.
Waxa kale oo meesha yaalla isku ekaanshaha dadkii u ololaynayey Rayaale
iyo dadka maanta u ololeynayey Madaxweynaha muranku ka taagan yahay ee
Mwai Kibaki, dadkaas oo isugu jiray ganacsatada, maamulayaasha
shirkadaha, wasiirada, ciidamada, iyo dadka da'da ah, iyo siyaasiyiin
lagu tuhmayo guulwadayn.
Dhinaca kale waxay labada dal iskaga mid yihiin qaybaha shicibka ee u
ololaynayey axsaabta Mucaaradka ah, kuwaas oo isugu jiray dadka shaqada
la', masaakiinta, dhallinyarada, siyaasiyiin maskax furan, iyo cid kasta
oo jeclayd waxqabad.
Labada dal waa Kiiniya iyo Somaliland eh, waxa doorashooyinkaa ka dhacay
labada wakhti ee kala fog ku loolamayey xisbiyada dawladda taageera oo
kala ah UDUB iyo PNU, halka mucaaradkana ay uga qayb galeen laba xisbi
oo mucaarad ah oo midna dawladda hoosta kala socday midna daacad ka
yahay mucaaradnimada, oo kala ah ODM-Kenya, ODM, halka Somalilandna ay
labada xisbi ee kale ay u dhigmaan UCID iyo KULMIYE.
Dhinaca kale markaan u soo jeesanno aqbalaadda natiijada ee axsaabtaasi
waxay reer Somaliland xusuustaan sidii xisbiga UCID markiiba u aqbalay,
una taageeray natiijadii xisbiga dawladda siisay guusha kama dambaysta
ah, taas oo la mid ah sida uu yeelay xisbiga ODM ee u hoggaamnayey
kolonzo Masoyoko oo markiiba isagu taageeray natiijada la isku haysto.
Si kastaba ha ahaatee shacbiga Kiiniya musharraxii ay doorteen, waa la
diiday cawaaqibka ka dhashayna waa la arkayaa, iyadoo dhinaca
Somaliland-na musharraxii ay waagaasi doorteen lagu sasabay inuu dalka
iyo dadka ka badbaadiyo tafaraaruq iyo qalalaasaha maanta ka taagan
Kiiniya, taas oo lagu tilmaami karo shayga keliya ee ay ku kala
duwanaayeen labadaa doorasho ee ka kala dhacay Somaliland shan sano ka
hor, iyo Kiiniya shan maalmood ka hor.
Si kastaba ha ahaatee wadada doorashada ay u mareen reer Kiiniya, waxay
maanta sugaysaa reer Somaliland, balse natiijooyinka ka soo bixi doona
ayaan ku rajo-weynahay inay kala duwanaan doonaan haddii si caddaalad ah
loo qaato dimuqraadiyadda iyo haddii laga leexdo.
Ugu dambayntiina dhibaatada Kiiniya ka taagan ayaa waxa sababay guddi
doorasho oo aan daacad ahayn iyo maxkamad dastuuri ah oo aanay shacbigu
kalsooni ku qabin taas oo maanta kala saari lahayd, maxkamaddaasi iyo
guddigaasina waxay sugayaan Somaliland doorashooyinka aan la ogeyn inay
dhici doonaan ee madaxtinnmimada iyo Degaanada, mana garan karo
kalsoonida shicibku ku qabo labadaasi meelood ee mid ka mid ah, waa
guddiga doorashooyinka eh, ay magacaabistii dawladda iyo baarlamaanku
isku seegeen, balse loo baahan yahay in shacbiga Somaliland maanka ku
hayaan sidii caalamka ay u weydiisan lahaayeen guddiyo doorasho iyo rag
caddaalad ka shaqayn kara oo axsaabta kala saara marka ay yimaaddaan
doorashooyinku.
Arrimaha kale ee ay doorashooyinka labadaasi dal ku kala duwanaayeen
ayaa waxa ka mid aqbalaadda natiijooyinkii ka soo baxay oo uu dalka
Kiiniya musharraxeeda mucaaradku aanu aqbalin natiijadii ka soo baxday,
halka doorashooyinkii Somaliland xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Kulmiye
lagu khasbay ama lagu sasabay inuu aqbalo natiijada, taasina ay keentay
inuu taageerayaashiisii cidlo kaga tego sababo badan awgeed, halka
musharraxa Kiiniya ilaa maanta aanu taageerayaashiisii cidlo kaga tegin,
kana go'aan adagyahay musharraxii mucaaradka Somaliland ee sida dhibta
yar leh u aqbalay natiijada doorashadii waagaasi, oo ay midhaheedii iyo
manfaceediiba reer Somaliland maanta guranayaan.
| Taliyaha Bileyska Awdal Oo Ka Digay Khasaaraha Ka Iman
Kara Lacagta Birta Itoobiya Ee Foorjeriga Ah Ee Boorama Ku soo Badanaysa
Iyo Boobka Biraha Iskaraabka Ah |
Boorama, January 6, 2008 (Haatuf) – Taliyaha Bileyska
Awdal, Cismaan Warsame Xijaab (Cismaan Haari) ayaa dadweynaha Boorama
uga digay khasaaraha dadweynaha iyo ganacsatadaba ka soo gaadhi kara
lacagta birta Itoobiya ee foorjeriga ah oo waayadan dambe sida aadka ah
ugu soo badanaysa magaaladaas.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar
Sheekh, Taliyaha oo shalay waraysi siiyey Haatuf, ayaa dhinaca kale waxa
uu ka warramay sida Ciidanka Bileysku ugu taag la’yahay gurashada ama
boobka lagu hayo biraha iskaraabka ah ee yaallay degaanada ku dhawdhaw
magaalada iyo kuwa magaalada gudaheedaba, isagoo tilmaamay in inkastoo
ciidanku meelo gaar ah u joogsado dadka ka ganacsada birahaasi balse
waddooyinka magaalada ka baxa oo aad u badan awgeed iyo ciidanka oo aan
ku fillayn ay kuwa badani ku guuleytaan inay birahaasi kala baxaan
magaalada.
Taliyaha Bileyska oo ka warramayey lacagta Itoobiya ee Birta ah ayaa
dadweynaha u sheegay oo yidhi "Lacagta foorjariga ah ee birta Itoobiya
waxay dhexda ku leedahay calaamad madow, waana isku wada lambar, waxa
kale oo lagu garan karaa calaamadda dhexda ee lacagta saxa ah kaga
samaysan dhexda ee caddaanka ah ayaa tan foorjariga madow ah, isla
markaana aad arkayso in lagu tolay. Lacag badan oo noocaas ah ayaanu
qabannay, hase yeeshee foorjarigani maaha mid joogsanaya waxaanan
dadweynahya iyo sarriflayaasha kula talinayaa inay soo sheegaan
lacagtaasi marka loola yimaaddo."
Taliyaha Ciidanka baadhista dembiyada ee gobolka Awdal, Daaahir Bulaale
ayaa isaguna bishii hore waraysi uu siiyey Haatuf ku sheegay inay
qabteen lacag dhan 370,000 (saddex boqol iyo toddobaatan kun) oo lacagta
faranka Jabuuti ah oo foorjari ah, taas oo cidii lagu qabtay laga qaaday
tallaabo sharci ah. Lacagahan foorjariga ah ee ku
wareegaya magaalada Boorama, ayaan hore looga aqoon degaanadan oo caan
ku ah isticmaalka lacagta birta Itoobiya, sidaa darteedna ay Boorama
noqotay meelaha ugu waaweyn ee lacagtaasi foorjeriga lagu tijaabinayo
maadaama degaanada kale ee Somaliland laga isticmaalo doolarka iyo
shillin Somaliland-ka ama shillin Soomaaliga.
| Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Dawladda Imbagathi Oo Diyaarad Qudha U
Wada Raacay London |
“Waxaa Ceeb Iyo Wax Laga Xishoodo Ah In Saxaafada Soomaaliyeed Qaarkood
Yidhaahdaan
Madaxweynihii Caafimaadkiisu Waa Bariga Dhexe Iyo Warar Been Ah Oo Ay Ka
Sheegeen Socdaalkiisii Howleed”
London, January 6, 2008 (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Daahir
Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha dawladda Imbagathi ee Somalia ayaa
diyaarad shalay ka wada dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka
Ethiopia.
Sida ay Haatuf u sheegeen ilo xog-ogaal ahi labada masuul waxay wada
raaceen diyaarada Ethiopian Airlines, waxaanay shalay gelinkii dambe ka
wada duuleen garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport.
Waxa kale oo ay wararku sheegeen in labada masuul loo diyaariyay qaybta
dabaqa koowaad (first class), waxaana la filayaa inay saaka markay
saacadu tahay 6:30 subaxnimo waqtiga London (9:30 Somaliland) ka deggaan
garoonka diyaaradaha ee Heathrow Airport ee magaalada London qaybtiisa
Terminal 3.
Waxa la filayaa in inta ay diyaaradda sii wada saaran yihiin ay labada
masuul wada hadalo ku sii dhex yeeshaan diyaaradda, isla markaana lama
oga waxa ay labada masuul ka sii wada hadli doonaan.
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Khamiistii doraad u
ambabaxay safar booqasho u sheegay inuu ku tegayo wadamada Maraykanka
iyo Ingiriiska, kuwaasi oo sida uu sheegay uu casuumad ka helay, hase
yeeshee, isla maalintaasi ayaa Madaxweynaha dawladda Imbagathi C/laahi
Yuusuf Axmed-na waxa la sheegay in sabab caafimaad loogula cararay
magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du barnaamijkeeda ku sheegtay in
maalintaasi C/laahi Yuusuf diyaarad khaas ahi ka soo qaaday magaalada
Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, sabab caafimaad darteed, waxaanay
intaasi ku dartay inay jiraan warar kale oo sheegaya in C/laahi Yuusuf
kulamo la yeelanayo Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin oo ay sheegtay in
dagaal afka ahi warbaahinta ku dhexmaray.
Inkasta oo ay wararku sheegeen in caafimaad loogu duuliyay C/laahi
Yuusuf Addis Ababa, haddana Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda dawladda
Imbagathi ku leedahay Ethiopia, Mahad Faarax Gaas ayaa beeniyay in sabab
caafimaad loo geeyay C/laahi Yuusuf Addis Ababa, waxaanu sheegay in
aanay jirin dhibaato caafimaad oo haysa C/laahi Yuusuf. "Waxaa Ceeb iyo
wax laga xishoodo ah in Saxaafada Soomaaliyeed qaarkood yidhaahdaan
Madaxweynihii Caafimaadkiisu waa Bariga dhexe iyo warar been ah oo ay ka
sheegeen Socdaalkiisii howleed," ayuu yidhi, Xoghayaha Koowaad ee
Safaaradda Imbagathi ee Addis Ababa oo u waramayay shabakadda wararka ee
Allpuntland, waxaanu xoghayuhu sheegay in Madaxweynaha Imbagathi kulamo
la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo ay ka wada
hadleen sidii loo nabadayn lahaa Somalia. Waxaanu intaasi raaciyay inuu
sidoo kale kulamo la yeelanayo qaar ka mid ah madaxda Midawga Afrika.
Sida ay baahisay shabakada wararka ee Somalilandfuture, Wasiirka
Arrimaha Debada ee Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale oo ka mid ah
weftiga Madaxweynaha Somaliland ayaa si kulul u beeniyay wararka
sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale kulamo la yeelanayo
Madaxweynaha Imbagathi C/laahi Yuusuf Axmed.
Ilaa haatan ma jiro war madax banaan oo ka hadlaya safarka labada
Madaxweyne ee Itoobiya, amaba war faaf-faahsan oo ay labada dhinac
midkoodna soo saareen.
Hase yeeshee, marka la eego warka Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda
dawladda Imbagathi ee Addis Ababa, waxa jira war la qarinayo oo ku
saabsan in xidhiidh dhexmaray labada masuul, caafimaadka C/laahi
Yuusuf-na daah lagu saarayo xaqiiqo soo baxday.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Debada ee Somaliland si toos ah ugama
hadal mawduuca marka laga reebo inuu shabakada wararka ee baahisay u
sheegay in aanu warkaasi jirin.
Waa markii ugu horeysay ee ay soo shaac baxday in Madaxweynaha
Somaliland iyo ka Imbagathi diyaarad khaas ah wada raacaan amaba meel
isku dhaw.
Hase yeeshee, waxa jiray shaki ay qabeen in badan oo ka mid ah
dadweynaha reer Somaliland oo la xidhiidha inuu jiro qorshe ay dawladda
Itoobiya ku dhex-dhexaadinayso xukuumadda Imbagathi iyo Somaliland.
waxaana la ogyahay in marar dhawr ah marka uu Madaxweynaha Somaliland
tago Itoobiya uu C/laahi Yuusuf-na joogo amaba maalintaasi ka dhoofo
Addis Ababa.
Sidoo kale, waxa jiray warar kale oo sheegaya in Wasiirka Maaliyadda
Somaliland, Xuseen Cali Ducaale (Cawil) iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee
xukuumadda Imbagathi ay ku kulmeen magaalada Addis Ababa ee xarunta
dalka Itoobiya, laakiin markii dambe taasi wuu beeniyay.
| “Xeerka Lagu Ciqaabayo Saxaafadda Madaxa Banaan Waa Mid Xadgudub Ku Ah...
Kayse Cali Geedi |
Socodka Dimuqraadiyada, Maraykankuna Ictiraafka Somaliland Waxa Uu
Shardi Uga Dhigay”
Gudoomiyaha W/Ameerika Ee Xisbiga UCID - Wareysi
Hargeysa, January 6, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha waqooyiga Ameerika ee
xisbiga UCID kana mid ah gudida fulinta Kayse Cali Geedi ayaa cambaareeyay xeerka cabudhinta saxaafada madaxa banaan ee ay xukuumadu u
gudbisay golaha wakiilada, kuna tilmaamay mid ka hor imanaya geedi
socodka dimuqraadiyada isagoo intaa ku daray in dalka Maraykanku
aqoonsiga Somaliland ay ku xidheen doorashooyinka dawladaha hoose iyo
madaxtooyada qabsoomidooda waxaanu dhinaca kalana beeniyay in xisbigoodu
u afduuban yahay gudoomiyahooda balse waxa uu tilmaamay in gudida
fulintu ay go’aamiso mawqifka xisbigooda.
Sidaa waxa uu ku sheegay gudoomiyuhu waraysi khaas ah oo wargeyska
Haatuf shalay kula yeeshay magaalada Hargeysa oo uu ku sugnaa mudo lix
bilood ah, waraysigaasi oo dhamaystirana waxa uu u dhacay sidan :
S: Sideed u aragtaa xeerkan cusub ee cabudhinta saxaafada madaxa banaan
ee xukuumadu u gudbisay golaha Wakiilada?
J: In xeer lagu cabudhinayo saxaafadda madaxa banaan loo sameeyo mabda’
ahaan aad baan uga soo horjeedaa ee mana aha in xeer loo sameeyo,
aduunyadana xeer looma sameeyo saxaafadda balse waa in xeer anshax marin
ah (code of conduct) loo sameeyaa kaas oo xadidaya xoriyadooda iyo
xuquuqda suxufiga laakiin xeer lagu cabudhinayo saxaafaddu waxa uu ka
soo horjeedaa socodka dimuqraadiyadeena.
S: Xeerkii hore ee saxaafadda ee golayaasha baarlamaanku ansixiyeen
Madaxweyne Rayaalena saxeexay hadana waxa uu ku tilmaamay xeer aan
ciqaab ahayn oo aan sharci noqon karin, arintaa sideed adigu u aragtaa?
J: Horta suxufigu war uu qoray haddii uu khalad u dhaco in ciqaab xadhig
ah lagula kaco madax banaanida saxaafadda ayay ka soo horjeedaa, balse
waa in ganaax la saaro sidaa darteed xisbi ahaan waanu ka soo horjeednaa
in xeer ciqaabaya suxufiyiinta loo sameeyo golayaasha baarlamankuna waa
in ay ka fiirsadaan xeerka cabudhinta saxaafadda ee horyaala.
S: Sideed u aragtaa socdaalka uu Madaxweyne Rayaale ugu baxay dalka
Maraykanka?
J: Runtii waxaan u arkaa socdaalka Madaxweyne Rayaale mid muhiim u ah
qadiyadda aqoonsiga Somaliland waxaana loo baahan yahay fursadaasi laga
soo faa’iideeyo jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Maraykankana
waxaan ugu baaqayaa in ay isu soo baxyo lagu taageerayo qadiyadda
Somaliland ay qabtaan albaabadana ku garaacaan hogaanka dalkaas.
S: Xisbigiina UCID waxaa lagu tilmaamaa mid taladiisa iyo go’aan
qaadashadiisa ay u afduuban tahay gudoomiye Faysal Cali Waraabe
arintaasi maxaad ka leedahay?
J: Horta Faysal Cali Waraabe afduub kuma haysto xisbiga balse gudida
fulinta xisbigu waxay go’aamiso uun baa lagu socdaa, laakiin dacaayado
suuqa lagu fidiyay ayuunbay dadku sii buunbuuniyaan xisbiga kaliya ee
hab maamul u shaqeeyaana waa UCID, Faysalna jeebka kuma sito ee mid
dimuqraadiyadeed iyo talo wadaag ku dhisan, waxaana u daliil ah
xisbigayagu waa ka kaliya ee saddexda xisbi qaran shirweynihiisii
qabsaday ee la hubo.
S: Sideed u aragtaa muranka sharci ee ka dhex aloosan hogaamiyayaasha
urur siyaasadeedka QARAN sharciyadiisa iyo Madaxweyne Rayaale ee ku
saabsan furashada ururada siyaasiga ah?
J: Horta waxa muhiim ah in sharciyada iyo qawaaniinta dalka u degsan loo
hogaansamo lana ixtiraamo, waxaanan soo jeedin lahaa in haya’daha sharci
dejinta iyo garsoorku ay ka qaataan doorka kaga beegan muranka sharci,
Maxkamadda sarena waa in ay si cadaaladda ugu garnaqdo khilaafka
distooriga ah ee ka dhex aloosan xukuumada iyo hogaamiyayaasha QARAN.
S: Mudadii doorashooyinka dawladaha hoose ee dib loogu riixay diiwaan
galintu in ay qabsoonto waxaa shaki laga muujinayaa mudada hadhay ee
kooban in aan diiwaan galin iyo doorashooyin suuro gali Karin arimahaa
sideed u aragtaa?
J: Waxa jiray hidise ku saabsan aqoonsiga Somaliland oo ay isku qabteen
Pentagon-ka iyo wasaarada Arimaha Dibadu oo midna soo jeediyay in
aqoonsiga Somaliland qalinka lagu duugo midna yidhi dib haloo dhigo,
markii dambena waxay isla qaateen go’aan ah in qaabka aynu
doorashooyinka u qabsano ay ka dhursugaan sidaa darteed in doorasho
dhacdo waa shardiga kaliya ee lagu xidhay ictiraafka, waxaana igu
maqaalo ah in Maraykanku go’aansaday marka doorashooyinku qabsoomaan
ictiraafka Somaliland go’aan ka gaadhi doono.
S: Dad badan ayaa u arka in Madaxweyne Rayaale aan lagaga guulaysan
karin doorasho si xor ah u dhacda marka la eego awooda dhaqaale iyo
xukun ee u adeegsanayo arimahaa sideed u aragtaa?
J: Rayaale ayaa haysta lacagtii iyo awoodii dalka oo laga guulaysan
maayo, waa aragti gaaban lacagtu waxba ma qabato ee codka ayaa xoog ah,
codka ayaana lagu kala guulaystaa, maalinta codbixinta doorashaduna
waxba ma qabato sidaas darteed uma arko Madaxweyne Rayaale iyo UDUB in
ay guul ku gaadhi karaan hantida ummadda iyo awooda xukunka balse cida
shicibku codkooda siiyaan ayuun baa guulaysanaya.
| Qaar Ka Mid Ah Haweenka Ururada Sanaag Oo Ka Dayriyay
Xaaladda Dhaqan Dhaqaale Ee Gobolkooda |
Haweenku Waxay Sheegeen In Kufsigu Hoos U Dhacay
Hargeysa, January 6, 2008 (Haatuf) – In ka badan 12 haween ah oo ka mid
ah ururada Haweenka ee gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa ka dayriyay
xaaladdaha dhaqan dhaqaale ee gobolkaasi.
“Waxa aanu doonayno in aanu Madaxweynaha kala kulano dhibaatooyinka na
haysta, waxaananu u tagnay Mudane Ibraahim Dhaa-dhaare oo ah Mudanaha
aanu soo dooranay inuu Madaxweynaha nala kulansiiyo, laakiin nooma ay
suurto gelin, waxaanu nagu soo war celiyay in Madaxweynuhu isku
diyaarinayo safarka uu haatan u baxay oo aanu waqti uu nagula kulmo noo
helayn” Sidaa waxa tidhi, Hodan Barre Ducaale oo madax ka ah mid ka mid
ah ururada Haweenka ee gobolka Sanaag oo habeen hore Hargeysa ugu
waramaysay Wargeyska Haatuf.
Hase yeeshee, Hodan iyada oo ka waramaysa ujeedada socdaalkooda Hargeysa
iyo dhibaatooyinka haysta waxa ay tidhi. “Waxa aanu Hargeysa nimid
25/12/2007, annagga oo ah 12 haween ah oo ka mid ah ururada Haweenka
Somaliland ee ka jira gobolka Sanaag xaruntiisa Ceerigaabo iyo
degmooyinka iyo tuulooyinkaba, waxaananu halkan u nimid in aanu ka qayb
galno shir arrimaha Haweenka lagaga hadlayay oo ay soo qaban qaabisay
dalladda ururada Haweenka ee NAGAAD.
Hase yeeshee markii aanu shirkii dhamaysanay ayaa muddo haatan laga
joogo toban maalmood waxa aanu is-nidhi, mar haddii aad Hargeysa oo
caasimaddii dalka ah soo gaadheen, waxa qurux badan inaad madaxda dalka
ugu saraysa, gaar ahaan madaxweynaha kala hadashaan dhibaatooyin badan
oo is-biirsaday oo dadka ku dhaqan gobolka Sanaag haysta, kuwaasi oo ay
dhibaatadda ka jirta gobolada kale iyaga ay u sii dheertahay baaxadda
dhulka gobolka iyo masaafadda fog ee uu u jiro caasimadda dalka”.
Laakiin Marwo Hodan, iyada oo ka waramaysa dhibaatooyinka gobolka Sanaag
u dheer kuwa kale ee Somaliland waxa ay tidhi. “Dhibaatooyinka na haysta
waxay iskugu jira kuwo naga haysta xagga adeegyada nolosha aas-aasiga ah
iyo weliba tu xagga dhaqaalaha ah.
Haddii aan ku horeeyo xagga adeegyada aas-aasiga ah, marka hore wado
xumo ayaa ugu weyn dhibaatada na haysata, taasina waxa ay naga dhigtay
in aanu noqon meel go’doon ah. Waddo xumadani waxa ay laf-dhabar u
noqotay dhibaatooyinka haysta gobolka.
Haddii aan ku horeeyo xagga waxbarashada Horta iyada oo ay marka horeba
dugsiyadu ku yar yihiin, haddana ardayda u dhalatay gobolka Sanaag,
marka ay dhamaystaan dugsiga sare waxa loo soo diraa Jaamacadaha
Hargeysa iyo Burco, taasina waxay ku tahay dhibaato dad badan oo ku
dhaqan gobolka, sababta oo ah dadku ma wada awoodaan inay carruurtooda u
sii diraan Jaamacadahani.
Ta kale Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag oo ay in ka
badan boqol kun oo qof ku dhaqan yihiin, waxay leedahay hal dugsi sare
oo keli ah, kaasina kuma filna ardayda dugsiyada sare u baahan. Waxa
kale oo ka jira saddex dugsi hoose/dhexe, dugsigaa sare iyo kuwaa hoose
labadaba ardayda dhigata dugsiyadu kuma filna oo tusaale ahaan fasalkii
waxa lagu fadhiistaa 60 ilaa todobaatan arday.
Waxa iyaduna taasi ka sii daran macalimiinta joogta dugsiyadaasi kuma
filna, waxaana dhacda in ay ardaydu saacado badan fasalada iska dhex
fadhiyaan iyada oo aanu macalin ugu jirin, sababta oo ah macalimiintii
waxay ku wada jiraan fasalo kale, markaa dedaalka badan ee ay
macalimiinta hawlgashaa sameeyaan, haddana maadaama oo aanay ku filnayn,
markaa dugsiyadii oo yar, macalimiintii oo yar, lacagta lagu bixiyo
ardaygiiba waxay dhantahay 70,000 oo lacagtii hore ee Somalia ah, taasi
oo ku dhaw ilaa afar dollar, lacagtaasi dadka magaalada ku dhaqani
iskama wada bixin karaan”.
Laakiin Faadumo Cabdalle X. Muuse oo iyaduna ka mid ah Haweenka Sanaag,
isla markaana ka mid ah Guddida Horumarinta Waxbarashada Sanaag oo ku
hawlan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha xagga waxbarashada ee
gobolkaasi ayaa iyada oo ka hadlaysa waxa ay tidhi. “Guddigayagu waxay
iskugu jiraan waalidiin, aqoonyahano iyo dad kale oo is-xilqaamayba,
waxaananu ku hawlanahay sidii hawlaha xagga waxbarashada gobolka wax
looga qaban lahaa, isla markaana macalimiinta dugsiyada wax loogu qaban
lahaa. Waxa kale oo aanu ku hawlanayn sidii Dugsigii sare ee Dayaxa
looga hirgelin lahaa Jaamacad si looga baxo dhibaatada ardayda reer
Sanaag ka haysta waxbarashada marka ay u soo safraan Jaamacadaha
Hargeysa iyo Burco oo 700km u jira Ceerigaabo” ayay tidhi.
Haweenka Sanaag waxa kale oo ay ka warameen dhibaatadda dhinaca
caafimaadka ka haysata, waxaanay tidhi. “Cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo
waa ka ugu weyn ee gobolka Sanaag, waqtigan xaadirka ahna dhakhtar keli
ahi kama hawlgalo, dayactirna ma laha, shaqaalihiisuna way kooban
yihiin, laydhkana sannad horteed ayaanu u gelinay.
Ma laha qaybtii qaliinka iyo qalabkii wax lagu qalayay toona, haddii
gabadh loo baahdo in dhalmada lagu qalo waxa loola soo cararayaa Burco,
waxaana la soo marinayaa wado aad u xun una dheer. Xataa ma jiraan
dhakhtaro si gaar ah u shaqaystaa dhammaan dhakhaatiirtii gobolku waxay
joogaan gobolada kale ee dalka” ayay yidhaahdeen Haweenka Sanaag.
“Magaaladda Ceerigaabo ma laha biyo gelin, iyada oo ay dhawr sannadood
horteed hay’adi qoday ceelashii biyaha, haddana ma jiraan biyo la
geliyay guryaha, sababta oo ah qasabadihii iyo hawshii biyo gelinta lama
dhamaystirin”. ayay yidhaahdeen.
Waxa kale oo ay haweenkani ka cawdeen dhibaato ka soo gaadha shilin
Soomaali ay maamulka Puntland soo daabacdeen oo ay taasina waxa ay nagu
haysaa sixir barar joogto, waxaana lacagtayada adag lanaga bedeshaa
lacag faalso ah oo la soo daabacday, lacagta shillinka Somaliland-na ma
aragno, sababta oo inkasta oo ciidamada lagu siiyo shillinka Somaliland
lacagta haddana waxa lagu kala qaataa xidigaha dushooda, mana aragno
anaguye ganacsatada waaweyn iyo kuwa soo dira ayuun baa og” ayay
yidhaahdeen.
Dumarkan oo la weydiiyay sababta keentay inay masuuliyiinta gobolka
cabashooyinkooda u gudbin waayaan, waxa ay sheegeen in masuuliyiinta
hay’adaha dawladdu mar walba u soo gudbiyaan dawladda dhexe
dhibaatooyinkooda laakiin aanay cidina waxba ka dhegeysan sababtaasina
ay u doonayeen Madaxweynaha.
“Way soo gudbiyaan wax kasta oo aanu qabno, laakiin waxba iyagu kama
qabaan karaan oo waa nala mid,” ayay tidhi Hodan Barre Ducaale oo ka
jawaabaysaa.
Waxa kale oo ay dumarka Sanaag sheegeen in Kufsiga oo berigii hore ku
badnaan jiray gobolka haatan wax laga qabtay, ka dib markii ay garsoorka
iyo bileysku iskaashadeen xadhig iyo ganaax badana lagu xukumay kuwii
lagu soo qabtay, taasina ay hoos u riday kufsiga.
Sidoo kale, Mudane Ibraahim Dhaa-dheere oo ka mid ah Mudanayaasha laga
soo doortay gobolka Sanaag ayaa sheegay in dhammaan dhibaatooyinka ay
dumarku ka cabanayaan jiraan, isla markaana ay marar dhawr ah xukuumadda
ugu qayliyeen balse aanay cidi waxba ka qaban. “Waxa aan Madaxweynaha ka
codsanayaa inuu amro wasiiraddiisu inay cabashada dadka wax ka qabtaan
anigu ma ogi Wasiir wax qaban kara ee wax walba adiga ayay ku xidhan
yihiin”. Ayuu yidhi Mudane Dhaadheere, waxaanu intaasi raaciyay. “Waxa
aanu ognahay dhibaatooyin badan oo gobolka ka jira, xukuumadda waxa aanu
leenahay waa in si deg deg ah loogu diro guddi xaqiiqo raadin ah oo soo
qiimaysa dhibaatada ka jirta gobolka Sanaag”.
| Boqolaal
Hooyooyin Danyar Gargaar Doon Ah Oo Iskugu Soo Ururay Wasaaradda Dib
U Dejinta |
Hargeysa, January 6, 2008 (Haatuf) – Boqolaal ka mid ah
hooyooyinka Danyarta ah ee ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ayaa iskugu soo
ururay Wasaaradda Dib U Dejinta Somaliland ka dib markii ay maqleen
waxoogay gargaar koontaynaro ku jira oo yaala Wasaaradda Dib u dejinta
xarunteeda ee magaalada Hargeysa.
Isu soo baxa hooyooyinka Danyarta ah ee Wasaaraddu wuxuu ka dambeeyay ka
dib markii gargaar ay bixisay hay’adda samafalka oo shisheeye ah oo
Wasaaraddu qaybisay dabayaaqadii sannadkii ina dhaafay mugdi galay, ka
dib markii deeqdaasi la qaybiyay maalin Jimce ah, isla markaana la
sheegay in la siiyay dadka danyarta ah ee dadka laga tirada badan yahay.
Laakiin qaybinta maalinta Jimcaha ah ayay qaar badan oo ka mid ah dadkii
loogu talo galay shaki ka muujiyeen habka loo qaybiyay, waxaanay ku
tiraabeen. “Xalaal iftiin baa la qashaa dadkuna way is-ogyihiin sida loo
kala jilicsan yahay, maxaa keenay in maalin Jimce ah wax la qaybsado,
wixii la musuqayo ama la tahriibinayo ee aan sharci ahayn ayuun baa
maalinta Jimcaha ah ee dadku nastaan la qaybiyaa”.
Hooyooyinka shalay iskugu yimid xarunta Wasaaradda Dib u Dejinta
horteeda ayaa la sheegay in lagu war geliyay inay jiraan alaabooyin
gargaar ah oo ku jira Koontaynaro oo la keenay xarunta Wasaaradda,
laakiin masuuliyiinta Wasaaradaasi ayaan iyagu wax hadal ah u sheegin
dadkii iskugu soo ururay goobta, isla markaana markii ay dadkii soo
bateen way dhaafeen iyagu.
Weriye ka tirsan Haatuf oo dadkaasi la kulmay ayay u sheegeen inay
doonayaan alaabooyin kala duwan oo gargaar ah oo loo sheegay in la
keenay xarunta Wasaaradda Dib u Dejinta. “Iyaga ayaa noo yeedhay annagu
waxa aanu nahay hooyooyinkii danyarta xaafad walba waanu ka nimid, imika
iska taga bay nagu leeyihiin iyaga oo markii hore iyagu yidhi kaalaya
caawimo ayaa la idin siinayaay’e” Sidaa waxa tidhi, Hooyo A. C. Cismaan
oo u waramaysay Haatuf.
Waxa ay hooyooyinkani sheegeen in nolosha qoysaskoodu aad u liidato,
gaar ahaan marka ay noqoto xagga raashinka, sababta oo ah bay
yidhaahdeen sixir bararka beryihii la soo dhaafay ku habsaday dalka,
gaar ahaana alaabooyinka daruuriyaadka ah.
Dadkani waxa ay Wasaaradda hor tubnaayeen ilaa saacadihii dambe ee
maalin badhkii shalay markii ay xataa shaqaalihii Wasaaraddu rawaxeen ee
ilaa 1:30pm, waxaana Wasaaradda inay galaan u diiday oo hortaagnaa qaar
ka mid ah askarta ilaaladda Madaxtooyadda, kuwaasi oo dadka u diidaya
inay galaan gudaha dhismayaasha Wasaaradda.
Maaha markii ugu horeysay ee ay dad danyar ahi ku soo qamaamaan
Wasaaradda Dib u Dejinta, isla markaana ay askarta Madaxtooyadu ku lug
lahayd, hase yeeshee waxay ahayd badhtamihii sannadkan markii qaar ka
mid ah askarta madaxtooyadda iyo niman kale inta ay samaystaan magac
urur iyo shaambad ay dadka xaafadaha shacabka degan ee danyarta ay
lacago kaga urursadeen inay raashin gargaar ah siin doonaan oo ay keeni
doonto hay’adda SCF, laakiin markii dambe ay taasi waxba kama jiraan
noqotay.
Inkasta oo qaar ka mid ah raggaasi la soo xidhay, haddana waxa aanay
cidi waxba weydiin kuwii ka mid ahaa askarta ilaaladda madaxtooyadda, ka
dib markii la ogaaday inay awooda amran ee madaxweynaha la maamusha
dalku ku gacan saydhay. Waxaanay warar xog-ogaal ahi sheegeen in xataa
xubnihii kale ee la qabqabtay awoodaasi oo magaceeda xadhig lagu
mutaystaa amar ku bixisay in la sii daayo, si aanay sheekadu u sii socon,
iyada oo aan danyartii lacagta laga soo ururiyayna waxba loo celin,
cidii ka qaadatayna aan la ciqaabin.
Top
| Dr. Gaboose Oo Hadalo Duur-Xul Ah La Beegsaday Ahmed Siilaanyo, Muuse
Biixi Iyo Ahmed Xuseen Ciise |
Hargeysa, January 6, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka
Qaran Dr. Mohamed Cabdi Gaboose, ayaa hadalo duur-xul ah la beegsaday
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, Dr. Ahmed
Xuseenn Ciise iyo Muuse Biixi Cabdi.
Dr. Gaboose waxa uu sidaas ka yidhi Xaflad casho sharaf ah oo Urur
dhalinyaro oo la yidhaahdo MIDNIMO ay u sameeyeen hogaanka Urur
Siyaasadeedka Qaran ee laga soo daayey Xabsiga Mandheera.
Guddoomiyaha Ururka Qaran Dr, Mohamed Cabdi Gaboose oo mas’uuliyiinta
Xisbiga Kulmiye u duur-xulaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Oday Ahmed
Siilaanyo oo aanu wakhti badan meel cidla isla soo joogi jirnay isaguna
waa inuu qaato fikirka ah in Danta shakhsiga ah laga horumariyo danta
guud. Waxa ii muuqda Muuse Biixi, oo aan leeyahay mabda’a aan qaatay
qaado oo danta guud ka horumari ta gaarka ah. Waxa halkaas iiga muuqda
Nin aan aad ujecelahay Ahmed Xuseen Ciise, isna waxa aan leeyahay Danta
guud aan ka horumarino ta gaarka ah, waan qaatay ee adiguna qaado.
Xisbiga Kulmiye wuu na kasbaday, anaguna waanu kasbanaynaa, danta guud
waxa ay u baahan tahay qorshe iyo talo iyo aragti aan jabkaas Xabsiga na
geeyey aanu dib dembe noogu dhicin. Sidaas awgeed hebel ayaan jecelahay
iyo waxaas anagu uma soo jeedno ee wuxuu qalbigayagu raadinayaa inaanu
dhigano qorshe dhamaanteen ina wada badbaadiya”.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo oo isna
goobtaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey talada uu u soo jeediyey
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Qaran Dr. Mohamed Cabdi Gaboose.
Dr. Ahmed Xuseen Ciise oo halkaas ka hadlay ayaa muujiyey inuu qaatay
talada uu Dr. Gaboose u soo jeediyey, waxaana uu ku dheeraaday in loo
midoobi sidii looga arrinsan lahaa mar walba danta guud.
| Ururka Dhalinyarada Midnimo Oo Casho Ku Kulmiyay Siyaasiyiin Door Ah Iyo
Weedhihii La Isku Dhaafsaday |
Hargeysa, January 6, 2008 (Haatuf) – Urur Dhalinyaro oo magaciisa la
yidhaahdo Ururka Dhalinyarada Waqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ee
Midnimo ayaa habeen hore casho sharaf ugu sameeyay hoteelka Imperial ee
magaalada Hargeysa hogaamiyayaasha ururka Qaran ee dhawaan xabsiga laga
soo daayay ka dib markii ay xidhnaayeen muddo ka badan shan bilood.
Munaasibadan Cashadan, waxa kale oo lagu soo casuumay qaar badan oo ka
mid ah siyaasiyiinta dalka, gaar ahaana kuwa xisbiga KULMIYE iyo qaar ka
mid ah odayaasha waaweyn ee magaalada Hargeysa.
Intii aanay cashadu bilaabmin waxa laga horeysiiyay hadalo siyaasadeed
oo ay halkaasi isku dhaafsadeen dadkii ka hadlay.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay C/laahi Aadan oo ku hadlayay magaca
Ururka Dhalinyarada Midnimo ee soo qaban qaabiyay xafladan, waxaanu
sheegay inay doonayaan inay taageeradooda ugu muujiyaan siyaasiyiinta
urur siyaasadeedka Qaran ee xabsiga laga soo daayay.
Sidoo kale, Aamina X. Maxamuud oo ka mid ah xisbiga KULMIYE, isla
markaana sheegtay inay xubin ka tahay ururkan ayaa shahaado sharafyo
gudoonsiisay saddexda siyaasi ee urur siyaasadeedka Qaran ee xabsiga
laga soo daayay.
Intaa ka dib waxa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Maxamed Cabdi Arabay
oo ka mid ah odayaasha Hargeysa, waxaanu ka waramay in siyaasiyiinta
madashaasi iskugu timid ay u badan yihiin qaar in badan soo halgamay
laakiin marka ay hadlayaan iyo marka ay xilka qabtaan aanay isku mid
ahayn.
Maxamed Cabdi Arabay waxa kale oo uu sheegay in siyaasiyiintu marka ay
tartanka galaan aanay dib isku xag-xagan, isla markaana ka laga badiyaa
aanu cadhoon.
“Waad ogtihiin waxaynu dhib soo marnay, raggiina halkan fadhiya intiisa
badanina markhaati baad ka ahaydeen, inta nin wanaagsan inagaga maqana
waad ogtihiin ee shuhadadu ma dhintaan’e ruuxdoodii inala joogto ayaa
loo baahan yahay inaynu ixtiraamno oo aydaan is-xag-xagan ninka laga
badiyaana aanu cadhoonin” ayuu yidhi.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid
ah masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE waxaanu dhaliilay cadaalada dalka ka
jirta, gaar ahaan waxa uu si toosa uga hadlay Distoorka waxyaabaha u
damaanad qaaday ee sugaya cadaaladiisa waxaanu Muuse Biixi ka hadlay
cadaalad darada inay kow ka tahay shaqo la’aan wadanka ka taagan, oo
isagu soo ururtay Dahabshiil iyo Telesom waxaanu xusay inay tahay
masiibo inagu habsatay.
“Waad ogaydeen oo inankii ka hadlayay Sudan ee Soomaalida ku xaniban
ahaa wuxuu ahaa Somalilander, carruurteenii maanta waxa ay isku soo
gaadheen saddex saddex iyo afar afar mid jaamacad ka soo baxay iyo dugsi
sare soo dhamaystay shaqadii wadankuna waxay iskugu soo ururtay
Dahabshiil iyo Telesom, inta inan yar oo Jaamici ah baryaysa ehelkeeda
ee Ina Maxamed Iid miyaad garanaysaa leh ii ayaa badan. Markaa haddii
inankii waxbarashadiina soo dhamaystay, shaqana waayo, xoogna yahay,
inuu dadka dhaco wax u diidayaa ma jiro” ayuu yidhi Mujaahid Muuse Biixi.
Mujaahidkani waa qofkii ugu horeeyay ee si dhab ah uga hadla
siyaasiyiinta dalka dhibaatada rasmi ahaan ay tebayaan da’ yar dalku.
Badi siyaasiyiinta dalka waxa u muuqda inay awooda kala wareegaan
madaxda haatan gacanta ku haysa, laakiin Mujaahid Muuse Biixi wuxuu u
muuqdaa mid haatan fahmay in isbedelku ku iman karo dalka marka
shaqooyin loo abuuro dhalinyarada, waxaanu carabaabay labada Kombani ee
lacagta ugu badan dalku soo gasho.
Mujaahidku waxa uu ummadda iyo Xisbiyadaba ku dhaliilay inaan laga hadal
xaqa ay Qaran u lahayd in loo marag furo is haysadka ay dawlada ishayaan
waxaanu bulshada ugu baaqay inaanay daawan uun waxa dhacayee wax laga
qabto.
Mar uu Muuse Biixi ka hadlay safarka madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay
inay tahay fursad Somaliland oo soo hoyatay, balse waxay isweydiintu
tahay muxuu ka keeni doonaa, waxaanu ku dhaliilay Madaxweyne Rayaale
danta Somaliland uu mar walba yidhaahdo wax baan ka keenayaa ee aanu
hadana waxba ka keenin.
Waxaan leeyahay Axmed Siiloonyo danta shakhsiga ah ka hor mari ka guud,
Muuse Biixi waxaan leeyahay mabda’a aan qaatay qaado oo danta guud ka
hor mari ta gaarka ah.
Dr.Ahmed xuseen xalay oo dhan buu igu waaninayey danta guud aan ka hor
marino ta gaarka ah, waxaan ku leeyahay Axmadow qaataye adna qaado”……..
Dr.Gaboose.
Waxa Hotelka Imperial ee Magalada Hargaysa xalay lagu qabtay xaflad lagu
sharfayey madaxda saddexda siyaasi ee Ururka Qaran.
Xafladaasi waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ,qaarka
mida qurbajooga S/land, Haween iyo dhalinyaro lagu soo casuumay.
Dr:Cumar Dixood oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay siyaasiyiinta
Qaran in baryootan lagu soo daayay waxa uu xusay maalin kaliya hadii si
diiran loo hadlo inaanay shan bilood xidhnaadeen sababta shantaa bilood
ee ay xidhnaayeen inay u dhiganto laba sanadood, dhibta soo gaadhayna
dadkaa waaweyn waa mid jidhkooda ka maqan. waxaanu ku baaqay inaan mar
danbe la xidhin dadka birmagaydada ah hadii kale, waxaanu samayn doona
buu yidhi, wuxuu dad samayn jiray.
Mudane C/raxmaan Yuusuf Cartan oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay
dagaalkii wadanka lagu xoreeyay inuu socodo, isagoo waji kale lehi
markaa waxa loo baahan yahay buu yidhi in iyadoo midaysan laga wada
tashado sidii loo badbaadin lahaa, waxaanu xusay xabsiga inaan laga
baqin ee xaqa iyo xoriyada aad leedahay inaad hesho aad ugu badheedho.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isna casuumadaas ka hadlay ayaa xusay
safarka Daahir Rayaale uu Addis-Ababa ku joogo inay cadahay xogogaal
ahaan inuu Daahir Rayaale kula kulmaayo C/laahi Yuusuf horena ay kulamo
u yeesheen, xanuunka C/laahi Yuusufna waxan qabaa buu yidhi inaanu ahayn
mid sida la sheegayo caafimaad ahaan Addis-Ababa loola cararay ee ay
tahay kulanka isaga iyo Daahir Rayaale.
Maxamed Xaashi waxa uu ku hanjabay inaan mar danbe lagu soo lugu’i
doonin ee ay wax iska celin doonaan hadii uu Daahir Rayaale hanjabaada
uu wado aanu joojin, waxaase uu ku adkaystay inay sifo sharciya ku
doonayaan inay xaqooda ku raadsadaan, waxa uu Maxamed Xaashi ku baaqay
in la xisaabtamo oo dadkii danbiga ummada ka galay la ciqaabo oo aan
ummada lagu sii dayn.
Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo isna hadal ka jeediyey xafladaasi ayaa
sheegay in xadhigooda kow ka tahay tafaraaruqa ummada haysta, waxaanu ku
baaqay danta guud in laga horumariyo ta shakhsiga ah. Waxa uu xusay in
kuraasta la doonayo looga tanaasulo dhismaha dalka.
“Oday Ahmed Siilaanyo oo aanu wakhti badan meel cidla isla soo joogi
jirnay isaguna waa inuu qaato fikirka ah in Danta shakhsiga ah laga
horumariyo danta guud. Waxa ii muuqda Muuse Biixi, oo aan leeyahay
mabda’a aan qaatay qaado oo danta guud ka horumari ta gaarka ah. Waxa
halkaas iiga muuqda Nin aan aad ujecelahay Ahmed Xuseen Ciise, isna waxa
aan leeyahay Danta guud aan ka horumarino ta gaarka ah, waan qaatay ee
adiguna qaado. Xisbiga Kulmiye wuu na kasbaday, anaguna waanu
kasbanaynaa, danta guud waxa ay u baahan tahay qorshe iyo talo iyo
aragti aan jabkaas Xabsiga na geeyey aanu dib dembe noogu dhicin. Sidaas
awgeed hebel ayaan jecelahay iyo waxaas anagu uma soo jeedno ee wuxuu
qalbigayagu raadinayaa inaanu dhigano qorshe dhamaanteen ina wada
badbaadiya,” ayuu yidhi, Gaboose.
Dr.Axmed Xuseen Ciise oo isna casho sharaftaasi ka hadlay ayaa sheegay
in safarka madaxweynuaha ee haatani tahay talaabo Somaliland u
horseedaysa horumar haddii la helo hubkeedii iyo dadkeedii.
waxaanu xusay inaanay imika taagnayn wax ka sheegiduye balse ay tahay
soo noqodkiisa inuu wax soo kordhiyey oo uu fursada ka faa’iideeyey iyo
inuu khasaariyey.
Dr.Ahmed xuseen waxa uu xusay in loo baahan yahay xal siyaasadeed oo
lagu kasbado badbaadinta Qaranka in la keeno isaguna diyaar u yahay wax
kasta oo himiladaa lagu xaqiijin karo.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Al-Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
oo gabagabadii xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay xisbigoodu inuu soo
dhawaynayo madaxda urur siyaasadeedka Qaran. waxaanu tilmaamay horeba
inay dhawr jeer uga wada hadleen sidii midnimo iyo wada jir wax loogu
dooni lahaa waxaanu ku celiyey Xisbigoodu inuu diyaar u yahay in xal la
helo.
| ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Maxaad Adduunyada Ugu Jeceshahay? |
Maxaad Adduunyada Ugu Jeceshahay?
Waa su’aal ay ka jawaabayaan Illaahay ‘SW’, Nebi Maxammed ‘SCW’,
Abuubakar Sidiiq, Cumer binu Khadaab, Cusmaan binu Cafaan, Cali binu
Abii-Daalib iyo Abaa Dar Alqafaar(RC).
Rasuulka “SCW” ayaa weydiiyey Abuubakar Sidiiq, Abuubakarow Maxaad
jeceshahay Adduunyada?
Abuubakar “RC” wuxuu yidhi Rasuulkii Illaahay Waxaan jeclahay Adduunyada
Saddex:
1. Eegmadaada
2. Inaan kula Fadhiisto
3. iyo Xoolahayga oo aan ku siiyo.
Dabadeedna Rasuulku “SCW” wuxuu weydiiyey Cumer binu Khadaab Adiguna
Cumerow Maxaad jeceshahay Adduunyada?.
Wuxuu yidhi waxaan jeclahay Saddex:-
1. Wanaaga oo aan faro Sirba ha ahaadee
2. Xumaha oo aan reebo Korba ha ahaadee
3. Hadalka Xaqa ah haba qadhaadhee.
Adiguna Cismaanoow?.
Wuxuu yidhi waxaan jeclahay Saddex:-
1. Cunnada oo aan bixiyo (Idcaamu Dacaam)
2. Salaanta oo aan faafiyo
3. Salaada habeenkii markay dadku hurdaan.
Adiguna Caliyow?.
Wuxuu yidhi waxaan jeclahay Saddex:
1. Martida oo aan maamuuso
2. Soonka wakhtiga Sayfka
3. Cadawga oo aan ku garaaco Seefta.
Dabadeedna Nebigu “SCW” wuxuu weydiiyey Abaa Dar Alqafaari, Adiguna Abaa
Dariyow maxaad Adduunyada jeceshahay?
Wuxuu yidhi Abuu Dari waxaan jeclahay Saddex:
1. Gaajo
2. Xanuun &
3. Geeri
Nebigu “SCW” wuxuu ku yidhi oo waayo?
Wuxuu yidhi Abuu Dari:
Gaajada waxaan u jeclahay si Qalbigaygu u dabco,
Xanuunkana waxaan u jeclahay si danbigaygu u yaraado,
Geeridana waxaan u jeclahay Si aan Rabigay ula kulmo.
Nebiguna markaasuu yidhi “SCW” waxaa layga jeclaysiiyey Adduunyadiina
Saddex:
1. Udgoonka
2. Dumarka
3. Salaadana waxaa laga dhigay indho ku qabawsigayga.
Markaas waxaa soo degay Jibriil “CS” waxaanu soo gaadhsiiyey Salaan,
wuxuuna yidhi: Aniguna waxaan ka jeclahay Adduunyadiina Saddex:
1. Risaala gaadhsiinta
2. Amaanada oo aan gudo &
3. Jacaylka Masaakiinta.
Dabadeedna wuxuu fuulay Samada Jibriil “CS”, markale ayuu soo degay,
Wuxuuna yidhi: Illaahay “SWC” ayaa idin soo salaamaya waxaanu idin
leeyahay Saddex ayaan Aduunyadiina ka jecelahay:
1. Carab Daakira (Illaahay in badan xusaya)
2. Qalbi khushuucsan
3. Jidh balaayada ku sabraya.
Naasir Saciid, Malaysia
nassir@live.com
???? ?????? ?? ???????? ?? ????????
| Cilmi-baadhid......Ku
Saabsan Hooyada Da'da Weyn Ku Dhasha |
War lagu daabacay wargeyska caanka ah ee British Medical Journal ayaa
sheegay in cilmi baadhid ay sameeyeen culimo ka tirsan xarunta "Danish
Epidemiology Science Centre, ee ku taala magaalada Copenhagen ay ku soo
gebo gebowday xaqiijinta in dumarka da'doodu ka weyn tahay 35 sanno ay
badan tahay khatarta ay kala kulmi karaan uur qaadida.
Waxa cilmi baadhidu xaqiijisay in hooyada da'deedu ka weyn tahay 35
sanno uu aad u kordho la kulanka haliso aad u badan, gaar ahaan xagga
ilmaha. Waxa cadaatay in tiro lagu qiyaasay 20%, oo dumarka da'doodu ka
weyn tahay 35 sanno, ay la kulmaan dhalmo la'aan ay sababeen: In ay
dhiciyaan (miscarriage), ilmo ku abuurma makaanka (ilmo galeenka)
dushiisa (Ectopic pregnancy), ilmo bakhti ah oo dhasha (Still birth),
iwm.
Dumarka da'doodu ka weyn tahay 42 sanno ee isku dayay in ay wax dhalaan
50% ka mid ah ayaa ku guul daraystay.
Nasiib darro, marka ruuxa dumarka ah da'deedu gaadhaba dhamaadka
Sodomeeyaha amaba bilowga Afartameeyaha, waxa maalinba maalinta ka
dambaysa sii bata ku guul daraysiga qaaditaan uur ku dhamaada dhalidda
ilmo caafimaad qaba.
Waxa lagu qiyaasaa ilaa 8% ku guul daraysiga ay hooyo da'deedu tahay 22
sanno ku guul daraysato qaaditaanka uur ku gebo gabooba dhalashada ilmo
caafimaad qaba, halka ay tiro cabireedkaasi ku shareeranto 84%, marka ay
da'da hooyadu gaadho 48 sanno iyo wixii ka weyn. Marka si gaar ah loo
eego cillad uureedka loo yaqaano Ectopic Pregnancy ( oo ah ilmaha oo ku
abuurma ilmo galeenka dibadiisa), ayaa lagu qiyaasaa 1.4%, marka ay
hooyada da'deedu tahay 21 sanno, tiro cabireedkaasina u korodho si xad
dhaaf ah marka ay da'da hooyadu sii weynaato, sida tusaale ahaan iyada
oo gaadha 6.9%, marka ay hooyada da'deedu gaadho 44 sanno.
Waxa kale oo xaqiiqo ah marba marka da'da hooyadu sii weynaato in ay sii
badato jaaniska ama Fursada ay hooyadaasi ku dhali karto ilmo aan
caafimaad qabin, amaba aan dhamays tirnayn. Cilmi baadhistan waxa lagu
sameeyay dumar ka badan 600,000 (lix boqol oo kun) oo haween ah, iyada
oo dib loo raacay rikoodhadoodii caafimaad, gaar ahaan intii u dhaxaysay
1978 ilaa 1992.
Waxa ay cilmi baadhistani cadeysay in halistani aanay khusayn oo keli ah
dumarka da'daas aynu ka hadalnay ah ee aan hore wax u dhalin, ee uu isku
si u khuseeyo, una taabtay dumarka da'dooda ah ee xataa caruur tiro
badan hore u dhalay, mar walbana ay natiijada kooxahaas kala duwani isku
mid soo baxayeen.
Waxa soo diyaariyey soona tarjumay.
Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.
| Madaxtooyada
Ma Waxa Laga Furay Khayriyo Madaxweynuhu Kula Hadlo Suxufiyiinta Oo
Kaliya? |
Madaxweyne Rayaale shir jaraa’id ee uu ku qabtay qasriga
madaxtooyada waxa uu jawaab ka bixiyey hadalkii shirkii jaraa’id ee uu
Cabdillaahi Yuusuf 1/1/08 ku qabtay magaalada Baydhabo in kasta oo
Rayaale iska dhaabadeeyey su’aalihii war fidiyeenka, halka Cabdillaahi
Yuusuf ka ogalaaday in su’aalo la waydiiyo.
Haddaba waxa isweydiin leh haddii uu Madaxweyne Rayaale sidii caadada u
ahayd mudooyinkan danbe waxa muuqata inaanu meesha ka dhicin shir
jaraa’id ee madaxweynuhu suxufiyiinta u akhriyey khudbadii uu dadweynaha
uga jeedin lahaa khayriyadda, ujeedada laga lahaana lagu macnayn karo
saxaafaddu inay dadweynaha ugu gudbiso hadal uu macnihiisu yahay aniga
waxa igu takhlanaa saddexdii wershadood ee Berbera iyo laydhkii aan
idiin sheegay inaan ka soo talaali doono Addis Ababa markii aan xilka
qabtay, waxaanan intaa idiinku darayaa inaynu gaadhnay heer macdanteena
lagu sahamiyo dayuurado, baadhista noocan ahi waa mid casri ah oo wali
aanay gaadhin dawladaha aynu dariska nahay. Haddaba taydu
waa licib saqiir'e beenaalaha u wayni waa Cabdillaahi Yuusuf oo dalkii
Soomaaliya ee labada dal ahaan jiray ka dhex sameeyey dal saddexaad oo
khariirada caalamka meel uu kaga qoran yahay aanu jirin, mana aha mid
laga been sheegi karo oo Uun Alle iyo Maraykanba way ogyihiin.
Haddaba dunida rag baa ku noole intaynu teena dib u dhigano aan ka
arrinsano waxaynu ka yeelano ninkan Cabdillaahi Yuusuf ee jebiyey
Rikoodhkii Beenta marka aan hadalkayga dhamaystana dhabarka i tusa iina
soo duceeya.
Cabdirisaaq Suudi Nuur, Hargeysa, Somaliland
| Axmaqnimadii
Kibaki Mid Ka Xun Ayaa Dhacaysa, Haddaan Mucaaridku Lix Qoddob
Degdeg U Sixin |
Dr. Cali Cabdi Muxumed, Hargeysa.
Madaxweyne Daahir Rayaale , wuxuu Dalka ka dhoofey isaga oo naftiisa u
sheegaya, "Wallee reer aan ogaa ma guuro!!” runtii weeye oo ma guurayo,
illeyn kelligii ayaa ah Distoorkii Dalka, keligii ayaa yaqaanna
shuruucda, keligii ayaa Maaliyaddi ah, keligii ayaana hayana amarka iyo
fulinta awoodaha Maamulka Dalka oo uu Rag dhufaana, wax aan amarkiisa
ahaynna ka dhego la’ uu hab u gaar ah ku soo xushay, ku adeegsado, isaga
oo markii ugu horreysayba, faraha u wada geliyey hantida qaranka
lunsigeeda, kuna dhabar garaaca oo mid qudha oo khalad kasta oo jira ka
hadli karaa ku jirin. Mas’uuliyiintii Baahida ka xorta ahayd sida Ing.
Maxamed Xaashi, Edna Aadan, Abiib, iyo qaar kaleba waa kuwii sida
xarragada leh, markay arkeen waxa socda, uga dhaqaajiyey!!
Dhinaca kale haddii aan eegno, socdaalka Madaxweynuhu wuxuu ku beegmay,
waqti uu joogitaankiisa Dalku ka mudnaa ambabixiisa!! Shakhsi ahaanna uu
mudnaanta siiyo, mashaakilka Gudaha oo wax walba ka mudnaa, khaasatan
iyaga oo mushkiladaha taagani ay si toos ah u taabanayaan qarannimada
jiritaankeeda, Nolosha Muwaadiniinta iyo Sannad Miisaaniyadeed
dhammaadey , oo Xisaabtankiisa laga rabo Maamulka, kii kalena la sugayo
miisaaniyaddiisii, Wasiirkii Maaliyadduna Dalka ka maqan yahay. Waxa
dheer iyada oo la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtey, lacagtii
Miisaaniyadda ku jirtey 2007da ee Togdheer lacagta Giimbaarta lagaga
Beddelayey, Kharashyadii Doorashooyinka iyo kuwii Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha,
ahaydna inay bilaabanto Oktoobartii tagtey aan la bixin, ilaa imikana la
gelin hawshaasi!!
Rayaale gartii weeye in uu dhoofo isaga oo leh “Wallee reer aan ogaa, ma
guuro!!” isaga oo shan isbaaro oo ammaan u sii dhigtey, geeddi socodka
Maamul ee Dalka inta uu Dalxiiska ku maqan yahay, kuwaas oo kala ah:
- Gole Aayatullayaal Guurti, "Xeer-Dejin" aan sifo sharciya ku joogin oo
ay isku daneystaan, isuna jadiidiyey Xilka, hawshooduna tahay
dhabar-jebinta shuruucda ka soo fula Xildhibaannada haddii aanay ka
tarjumeyn maslaxadda Rayaale!!
- Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud oo si toos ah ugu
milan Maamulka, gacantana ugu jira Rayaale.
-Isaga oo awoodihii qaranka ee Maamul dhammaan gacantiisa ay isugu
tageen, amarkiisa la’aantiina waxba kala soconeyn.
-Isaga oo ah , awooddii amar bixinta kharashyada qaranka, shilin aanu
amrinina ka baxayn bangiga.
- Iyada oo aan Awoodihii Distooriga ahayd ee Saddexda Hay’adood ee Dalka
laga maamulo, Fulinta, Xeer-Dejinta iyo Garsoorka aan si qeexan loo kala
saarin, si loogu xisaabtami karo Mas’uuliyada Xil Gudasho ee hay’adahaas,
sababta ay timaha isugu maranayaannna ah!!
-Isaga oo ah Taliyaha Guud ee Ciidammada qaranka oo derejo iyo Jaran
jarooyin Hoggaan aan lahayn, uu ku hayso martial law, cid aan isaga
ahaynna talo iyo amar midna ka qaadan!! Isaga oo adeegsanayaa
Hay’adahanna uu burburinta Dalka iyo dhaabadeynta shuruudaha lagu
muteysto aqoonsiga Dawliga ah oo dhammeystirma, uu shan sannadood Dalka
kaga lumiyey, hanti-boob Maamumulku gudihiisa ku tartamayey, isaga oo
dhinac kalena Bulshada ku mashquulinayey, is-qabqabsi Distoori ahaa oo
hay’adaha Saddexda ah la dhex dhigey, Dagaallo sokeeye oo beelaha qaar
laga dhex ridday, carqalado siyaasadeed oo xaalad abuur ahaa, sida
xadhiggii suxufiyiinta, qaran, Afduubkii iyo inqilaabkii Ururka shuuro-net
iyo Xeerkan lagu doonayo in Saxaafadda Madaxa bannaan balaster
Afka-lagaga xidho!!
Axsaabta Mucaaridka ee qaranka oo ahayd inay si xooggan u hor-istaagto,
ku talax tagga maamulkani ku maaruqay shuruucdii iyo Distoorkii Dalku,
kalsooni saa’da oo ay ku qabaan taageerayaasha ay haystaan ayaa
hadheysay "Self-centered policy” Rayaale iyo kooxdiisuna ku cunsiiyeen
shan sannadood oo iyaga oo aan hubin in ay Doorashadii Diisamber wax
waliba u diyaar yihiin, hoosta ka soo geliyeen, xeelad hor leh oo UCID
loo soo dhiibey ahaydna “Diiwaan-gelin la’aan, in aan doorasho dhicin!!”
Haddii aan haddaba lixdan qodob ee soo socda, Mucaaridka iyo Maamulku
isla meel dhigin Doorashada ka hor, sidii aan hore u sheegeyba, Maamulku
wuxuu ku talogalay iskla horimaad, laakiin axmaqnimada ay xambaarsan
tahay wey ka darraaneysaa tii Kibakiga Kiiniya:-
1- Rayaale oo awoodihii qaranka oo dhammi gacantiisa isugu tageen,
Madaxweyne, Maamule iyo Tartame kama noqon karo Doorashooyinka,
khaasatan marka la eego sida uu Distoorka ugu tuntay, Baarlanmaanka iyo
shuruucda Golaha aanu waxba u aqoon, Xadhiggii Madaxda Qaran, kii Haatuf,
iyo inqilaabka Shuuro-netna uu Maamulkiisu sharci darrada awoodeysan ku
muquunistey. Waa in, si ku meel gaadh ah, Riyaale, awoodahan looga
wareejiyo inta ay Doorashadu socoto.
2- Maaliyadda qaranka waa in aanay UDUB u adeegsan karin Doorashooyinka,
lacagtii Burco Miisaaniyadda Dhammaatey ugu jirtana, lagu wareejiyo
Bangiga Somaliland ee Togdheer, inta aan Doorashada la gelin si aan
loogu adeegsan Doorashada.
3. Kharashyadii Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo Miisaaniyaddii
Guddiga Doorashooyinka Qaranku ku Hawl-geli lahaa, bixinteeda oo la
hubiyo.
4- Golaha Guurtida oo aan sifo sharciga waafaqsan ku joogin, xilkana
iyagu isu jadiidiyey, oo Somaliland-diidnimo iyo inqilaab Distoorka lagu
sameeyey ah, laga dareersho madasha, lagana mamnuuco inay ku lug
yeeshaan xeer dejin iyo arrimaha Doorasho inta laga waafajinayo
joogitaankooda, shuruucda Dalka. Hal xaaraan ahi nirig xalaal ah ma
dhasho’e!!.
5- Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Distooriga ee Sare iyo
Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka oo gebi ahaanba la beddelin, iyaga oo ku
dhex milmay Maamulka, dhexdhexaadna aan ka noqon karin ka Garsoorka
Doorashooyinka.
6- Dalka oo Jiilaal gelaya, Diiwaan gelintii Cod-bixiyeyaasha oo ahayd
in oktoobar la bilaabana aan loo dhaqaaqin ilaa imika iyada oo Maamulku
aanu bixin kharashkii hawlgalkaasi, 75% Bulshaduna kaba tallaabayso
Xuduudda, in aanay Diiwaangelintan oo wax macno ah aan lahayn waqtigani,
dhufeys u noqon Maamulkan awood ku dirirka ah, ogna in ay Doorashadu
tahay, UDUB vs. Somaliland!! Top
|