|
Siyaasiyiin Iyo Xildhibaanno Ka Hadlay Falkii
Maamulka Gobolka Awdal Kula Kaceen Masuuliyiinta Ururka Qaran
Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo La Kulmay
Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Ah
Axmed Maxamed Xaaji Oo Ka Jawaabay
Digniin Ay U Soo Jeediyeen Xubnaha Kale Ee Komishanka Doorashooyinku
“Odaygaasi Waxa Uu Ka Mid Ahaa Raggii
Ciidanka La Soo Qabtay Raray, Hadalka Uu BBC-Da Ka Yidhina Reer Buuhoodle
Kuma Metelo”
Afhayeenka weftiga Somaliland ee Buuhoodle, ahna wasiir ku xigeenka hawlaha
guud
"Waxay Mashaariicdaasi Ku
Xidhnaanayaan Shan Gudi Hawleed, Oo Dhaqaajinaya Mashaariicda Beeraha,
Xoolaha, Kalluumaysiga, Deegaanka Iyo Reer Miyiga”
Wasiirka Qorshaynta Somaliland
Ciidamada Mbagathi Oo Dagaal
Fool-Ka-Fool Ah Iskaga Soo Horjeeda Meelo Muqdisho Ka Mid Ah
Wasiirada Daakhiliga Iyo Xidhiidhka
Golayaasha Oo Kulan La Yeeshay Odayaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Awdal
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Nuxurkii Shirkii
Hogaamiyeyaasha Qaran Ee Ka Dhacay Finland
Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Ee
UDUB, Libaaxyo Hurda Ayuu Isku Toosiyey!
Qormo (An Article): Qalinka Iyo
Qoraaga
|
|
| Siyaasiyiin Iyo Xildhibaanno Ka
Hadlay Falkii Maamulka Gobolka Awdal Kula Kaceen Masuuliyiinta
Ururka Qaran |
''Ninka Yidhi Boorama Ka Baxa, Dee Isna Hargeysa Tegi Maayo, Huteelka
Raysna........" ''Waa In Maamulka Gobolka Awdal Raalli-gelin Ka Bixiyaa
Falkiisaa"
Boorama, January 16, 2008 (Haatuf) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga
Kulmiye ee gobolka Awdal, xubno ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada
kaga jira gobolkaas ayaa jawaab kulul ka bixiyey talaabadii maamulka
gobolka Awdal magaalada kaga soo saareen masuuliyiinta ururka Qaran oo
doraad ku tegay Boorama martiqaad ay u fidiyeen qaar ka mid ah
dadweynaha gobolka Awdal, taasi oo iyaga oo hotel rays ka qadaynaya oo
aan weli dhamaysan booqashadii bileyska gobolkaasi ku amreen inay
halkaasi ka soo noqdaan.
Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar
Sheekh ayaa waxa shalay subax Shir Jaraaid ku qabtay Huteel Rays ku
qabteen musharaxiinta jagada Madaxweyne-xigeenka u tartamaya ee xisbiga
Kulmiye ee Gobolka Awdal Ismaaciil Muumin Aare iyo Eng. C/raxmaan C/laahi
(Saylici), ayaa waxay kaga hadleen sida ay uga xun yihiin talaabadaasi
maamulka gobolku kula kacay masuuliyiinta ururka qaran, isla markaana
sheegay inay maamulka kala xisaabtami doonaan arintaasi. Ugu horreyn
waxa shirkan jaraaid ka hadlay Wakiilka xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal
Aadan Xaaji Muxumed, waxaanu yidhi “waxaan marka hore baaq nabadeed u
dirayaa beelaha walaalahayaga ah ee ku diriraya soohdinta dhinaceeda
kale, anigoo leh joojiya xabadda. Dhinaca kale waxaan shirkan jaraaid u
qabannay inaan shacbiweynaha Somaliland iyo kan reer Awdalba u muujinno
tusnana sidaan uga xunnahay falkii ciidamada amniga Boorama kula kaceen
siyaasiyiin muwaadiniinta ah oo biri mageyda ah, kuwaas oo dhammaadkii
martiqaadkaasi ciidamada oo amar ka haysta guddoomiyaha gobolku amar ku
siiyeen inay joojiyeen sheekadoodii, magaaladana ka baxaan. waxaa
leeyahay wax la qaadan karo maaha arrintaasi. Hargeysa waxa lagu qabtaa
casuumado kala duwan iyo shirar kala duwan oo hudheello ka dhaca cidina
ma farageliso, mana aha in dad ka shaqaynaya danta dalka loola dhaqmo
sidaas oo kale”.
Prof. Ismaaciil Muumin Aare, kana mid ah musharraxiinta jagada
Madaxweyne-kuxigeenka xisbiga Kulmiye ayaa isaguna si adag uga hadlay
falkaasi isagoo yidhi “Waxaan marka hore shacbiga Somaliland iyo gaar
ahaan kan reer Awdalba ugu yeedhayaa inay ka qayb qaataan gurmadka loogu
jiro kala badbaadinta dhiigga beelaha aan walaalalaha nahay ee ku
diriraya jiidda Harawa.
Waa tan labaade waxa xisbiga kulmiye iyo qaybaha dadweynaha reer
Awdalbau sharaf ahayd soo dhaweyntii ay soo dhaweeyeen ragga biri ma’
geydada ah, muwaadiniinta ah, siyaasiyiinta ah ee mutacallimiinta ah ee
ururka qaran ku soo dhaweeyaan Magaalada Boorama. Waa dhaqankeenna iyo
hiddaheenna inaan martida soo dhweynno diinteenuna ina farayso inaan
sidaa yeello. Waxaa ka xumahay amarkii maamulka gobolku uu saddexda
ciidan ku soo geliyey halkii ay ku qadaynayeen. Waxay doonayeen inay
masuuliyiinta qaran sii joogaan Boorama, oo ay booqdaan ehelkooda,
adeegyada waxbarashada, iyo dhakhtarka guud ee Boorama. Markii loo
keenay ciidankaasi waxay codsadeen inay tegayaan soona gaabinayaan
socodaalkooda martiqaadka ahaa. Sidaa darteed ceebta halkaa ka dhacday
waxa iska leh badhasaabka gobolka, loogana fadhiyaa inuu raalligelin ka
bixiyo. Waxa kale oo aan leehay, Huteel Rays maamulkiisu waa inuu noqdaa
mid dadka u siman.Uma furra mucaarad ama muxaafid, mulkiiluhu cashuur
buu bixiyaa maalin kastana ciidan baa la soo geliyaa oo dadka ku
xagxagta, sidaa darteed waa inaan huteelka sumcadda laga dilin, haddii
kale waxa uu noqonayaa huteel dawladeed, khasaarena u soo jiidi karta
ninka huteelka leh.”
Xildh. Abubakar C/raxmaan Good, kana tirsan baarlamaanka oo isna
halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aniga oo la iga soo doortay xisbiga
Kulmiye iyo guud ahaanba xisbiga kulmiye waxaan aad uga xunnahay falka
ciidanka nabadgelyada lagu soo geliyey meeshii ay martidu ku qadaynaysay.
Runtii ciidanku dulqaad bay noo muujiyeen wayna na sugeen intaan
qadaynaynay, balse markii dambe badhasaakaa soo diray ninkii ugu
sarreeyey oo amar lagu soo siiyey inuu joojiyo sheekadii aan qadada
dusheeda ku haysannay, waana wax laga xishoodo falkaasi oo kale.”
Eng. C/raxmaan Saylici oo isna ah musharrax u tartamaya jagada
Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga Kulmiye oo isna halkaas ka hadlay ayaa
yidhi “wax hore loo arkay maaha in marti noo timi oo qado u fadhida,
isla markaana aan ka sheekayneyn meel fagaare ah ee guri hoostii ay
ahayd la soo weeraro, waxa nasiib-darro ah in casuumaddii gebogebada
ahayd uu guddoomiyaha gobolku joojiyo oo yidhaahdo, waxa nagu dheeraad
ahaa uun suxufiyiin meesha joogtay. Somaliland caan bay ku ahayd
nabadgelyada, reer Awdalna dulmigii lagu xidhay lama qabaan hoggaankooda
dalka, arrintanina waan ka xunnahay, xukuumadda gobolka ayaanan kala
xisaabtamaynaa ama ku eedeynaynaa”.
Intaa kaddib ayaa su'aalo la weydiiyey mussharraxiinta xisbiga Kulmiye
ee shirkaasi jaraa’id qabtay, waxana Ismaaciil Muumin Aaare la weydiiyey:
S: Saamayn intee leeg ayaa falkani ku yeelan karaa dadweynaha
Somaliland?
J: Reer Somaliland way ka weynaadeen arrimaha ka imanaya maamaulkan
tacbaanka ah ee hawshiisii xafiis qabsan kari waayey waa lagu ogyahay
inuu xag-xagto dadka.
S: Yaa casuumay madaxda Qaran?
J: Waxa casuumay Kulmiye iyo inta nabadda jecel.
S: Amarka badhasaabku ku yidhi yaad oggolaamsho weydiisateen muxuu kuula
egyahay?
J: wuxu la mid yahay uun xeerakan saxaafadda ee la leeyahay suxufigu
haddii uu meel dalka ah tegeyo fasax ha weysddiisto wasiirada. Ma
badhasaabkaa fasax siiya sagaashanka qof ee subax walba Boorama ka
dhoofa.
S: Waxa la leeyahay rag madax ka ah dawladda gobolka ayaa madaxda Qaran
ku yidhi nooga baxa magaalada, sidee buu u egyahay areygaasi?
J: Ninka yidhi uunbaa isceebeeyey, isaguna ha ogaado inaanu Hargeysa
tegeyn. Maxamed Xaashi ka tag uga tegi maayo magaalo uu arday ka ahaa,
kuna soo booqday ciddii uu waagaa la noolaa oo uu uu ka mid ahaa Ugaas
Jaamac Muxumed.
S: Ma laga yaabaa in masuuliyiin kulmiye ka tirsan loola dhaqmo sidan oo
kale?
J: Haa, sababtoo ah rafashada maamulkan wax walba waa laga fili karaa,
cid walbana way ku dhici doontaa haddii aan sharci jirin.
| Madaxweyne Ku-Xigeenka
Oo La Kulmay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Ah |
“Waxaan kula kaftanay Madaxweynekuxigeenka … Mudaharaadka
wax ha layskaga Ogaado” Axmed Siilaanyo
Hargeysa, January 16, 2008 (Haatuf) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland,
Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna, kusimaha Madaxweynaha ayaa shalay
xafiiskiisa kula kulmay Madaxda labada xisbi ee Mucaaridka ah, UCID iyo
KULMIYE.
Kulankaas oo ay albaabadu u xidhnaayeen, lagama soo saarin war rasmi ah
arrimihii ay ka wadahadleen Madaxweynaha iyo Madaxda labada xisbi ee
mucaaridka ah.
Hase yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud
(Siilaanyo) oo weriyayaal ka kala socda saxaafadda madaxa bannaan iyo ta
dowladdu wax ka weydiiyeen kulankaas ayaa sheegay inay kulmeen saddexda
xisbi iyo Madaxweynekuxigeenka, ayna ka wadahadleen sidii xisbiyadu uga
qaybqaadan lahaayeen bannaanbaxa Golaha Xukuumaddu go’aamiyey inuu
gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan ka dhaco Khamiista, 17ka January
2008, kaas oo xukuumaddu sheegtay in lagu taageerayo qaddiyadda goonni
isu taagga Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in kulankaas ay saddexda xisbi iyo
Madaxweyne ku-xigeenku kaga wadahadleen in bannaanbaxa maalinta
Khamiistu uu noqdo mid gobolada dalka iyo xisbiyada oo dhan ay ka
wadaqaybgalaan, taasna isku waafaqeen.
Waxana uu yidhi, Guddoomiyuhu isaga oo tilmaamay sababta iyo ujeeddada
bannaanbaxa wakhtigan, “Wakhti baynu ku jirnaa - inkastoo aanu ku
heshiiney in sannadkiiba mar la sameeyo bannaanbaxa - duruufo gaar ah
buu maanta dalku ku jiraa. Waynu ognahayoo qaybo dalka ka mid ah dalka
dagaal baa ka socda, Madaxweynihii wuu maqan yahay oo safar buu dibadda
ugu maqan yahay oo la arko siyaabo badan inay aaya-ka-talinteenna ay u
saamayso. Sidii loo eegoba waxayna maanta u baahan nahay waxyaabaynu u
baahan nahay innagoo wadajirna inaynu muujino oo dunida u bandhigno oo
dadka u bandhigno oo cadowgeenna u bandhigno oo saaxiibadeen u bandhigno
inaynu nahay qaran midaysan, qaran yool qudha wada leh, qaran ay ka dhab
tahay inuu caddeeyo qarannimadiisa iyo goonni isu taaggiisa oo cidna
aanu shaki ka gelin”.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Siilaanyo, waxa uu intaas ku
daray oo uu sheegay in dalku uu marayo xaalad adag, isla markaana ay
jiraan waxyaabo badan oo saluug ah iyo wax badan oo qabyo ah, balse,
taasi aanay ka joojinayn in yoolka qarannimo ee ummaddu higsanayso ay
xasuusiyaan dunida, cadow iyo saaxiibba.
“Inta aanu maanta ku dhaqaaqaynaa waa intaa, waanuna u wada dhan nahay,
ummaddana waxaanu ugu baaqaynaa, [gaar ahaan] taageerayaasha xisbiga
KULMIYE iyo xisbiyada kale iyo ummadda caam ahaan, in wadajirkeenna iyo
qaranimadeenna aynu halkaa maanta ku muujino,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Waxana uu intaas ku daray in mandaqadda Somaliland ku taallo ay
dhibaatooyin badani ka jiraan, gaar ahaan, dalkaa Soomaaliya ee ay
Somaliland ka midka ahaan jirtey, isaga oo sheegay in wax keliya ee
Somaliland kaga duwan tahay walaalaheeda Soomaaliya ay tahay halgankii
qadhaadhaa ee naf iyo maal badan lagu waayey ee dadka reer Somaliland
soo mareen, kaas oo laga dhaxlay nabadda iyo Dimuqraadiyadda ay haystaan,
taas oo uu ku taliyey in lagu fara-adaygo.
Xukuumadda Somaliland ayaa sas weyn ka qabta bannaanbaxyada dadweynuhu
dareenkooda ku cabirayaan, marka laga reebo kuwa ay iyadu soo
qabanqaabiso, waxayna marar badan awaamiir ka soo saartay ama xoog isku
hortaagtey isu soo baxyo xisbiyada mucaaridka ah iyo muwaaddiniin kaleba
ku baaqeen ama ay qabanqaabiyeen, iyada oo bannaanbaxu uu ka mid yahay
xaqa rayi-dhiibashada ee Dastuurka Qaranku u dammaanad qaaday
muwaaddiniinta.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, waxa uu sheegay inkasta
oo bannaanbaxa Khamiista loo ballansan yahay uu yahay mid taageero ah,
in Madaxweynekuxigeenka ay dareensiiyeen in bannaanbaxyadu ay yihiin xaq
dastuuri ah oo muwaaddiniintu leeyihiin, isla markaana loo baahan yahay
xukuumaddu inay ogolaato xuquuqdaas marka dhalliilaheeda lagu muujinayo
ama laga muddaharaadayo.
“Waxyaabaha aanu kaftan iyo hadalba Madaxweynekuxigeenku ugu lahayn
waxaa ka mid ah: Muddaharaadka waynu u soo wada baxaynaa oo waynu ka
midaysan nahay, laakiin, aynu ogaano muddaharaadku mar aynu inagu isku
dhigayno iyo mar aynu qaranimo u wada dhigaynaaba waa jirtaaye aan
mudaharaadka wax iskaga ogaanno,” ayuu yidhi mudane Axmed Siilaanyo.
Hase yeeshee, waxa uu sheegay in loo baahan isu soo baxa Khamiista in
aan loo kala hadhin, isla markaana laga tashan doono muddaharaadyada
kale ee maxalliga ah.
Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa fadhigoodii Isniintii ku go’aamiyey in
maalinta Khamiista ee 17ka January ay noqon doonto maalin gobolada iyo
degmooyinka dalka oo dhan laga sameeyo isu soo bax lagu taageerayo madax
bannaanida iyo qaranimada Somaliland.
| Axmed Maxamed
Xaaji Oo Ka Jawaabay Digniin Ay U Soo Jeediyeen Xubnaha Kale Ee
Komishanka Doorashooyinku |
“Waxaan idin xusuusinayaa in aan xaqa ku taagnaan doono oo
aanay iga leexin doonin digniin, magac gub iyo gacan haadin…………”
Axmed Maxamed X. Daahir
Hargeysa, January 16, 2008 (Haatuf) – Axmed Maxamed X. Daahir oo ah
xubin ka tirsan guddida doorashooyinka Qaranka ayaa si kulul uga
jawaabay qoraal digniin ah oo ay u soo jeediyeen xubnaha kale ee
komishanka doorashooyinku, qoraalkaasi digniinta oo ay ku eedeeyeen in
uu jabiyey xeer-hoosaadkii komishanka qaranka.
Qoraalka digniinta ah ee komishanka laguma sheegin qodobka ama qodobada
xeer-hoosaadka ee uu jabiyey Axmed Maxamed Xaaji, laakiin eedaymaha ay u
soo jeediyeen waxa ka mid ah in uu saxaafada la hadlay, isla markaana si
khaldan wax uga sheegay dawlada iyo komishanka doorashooyinka ee qaranka.
Haddaba, Axmed Maxamed Xaaji ayaa jawaab kulul ka bixiyey qoraalka
digniinta iyo eedaymaha ay u soo jeediyeen Lixda xubnood ee komishanka
doorashooyinku, isaga in aanay jirin wax dembi ah oo uu galay ama xeer
uu jabiyey, balse lagu haysto arimo uu u arkayay inay khaldanaayeen oo
saamayn ku yeelanayay xeerarka dalka iyo habsami u socodka hawlihii
loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka.
Xubinta komishanka Mr Axmed Maxamed Xaaji waxa uu beeniyey inuu geystay
eedaymo kale oo ay u soo jeediyeen xubnaha kale ee komishanku, kuwaas oo
sheegay in uu kula dhaqmay aflagaado iyo qalalaase joogto ah oo ay
hawlihii xafiiska ka socon kari waayeen, isaga oo eedaymahaasi ka
hadlaya waxa uu yidhi “Wali may dhicin in aanu shakhsi wada hadalnay,
hadii cid aanu rayi ku kala duwanaanay doodu waa dawo ee maaha colaad
iyo aflagaado, marar dhowr ah waan tilmaamay arimo aan u arkaayey inay
xeerarka dalka iyo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka xad gudub ku
yihiin. Ta aad sheegteen in aan xeer hoosaad jabiyey ee aad ku
sababayseen in aad saxaafada la hadlay waa in ogaataan in aan xor u ahay
in aan wax u sheego sida aan wax u arko”.
Axmed Maxamed Xaaji waxa uu sheegay in ay eedaymahan loo soo jeediyey ay
ka danbayso cid doonaysa in aan doorashadu xiligeedii qabsoomin oo ay
dib u dhacdo.
Axmed waxa kale oo uu sheegay inay ku jiraan arimaha lagu haysto ama ay
ka mid ahaayeen dhaliilo uu u jeediyey habkii komishanku u dhaariyey
xubin ka mid ah baarlamaanka oo bedeshay xubin geeriyootay.
Axmed ugu dambeyntii waxa uu ku adkaystay oo uu ku wargeliyey xubnaha
komishanka in aanay dingiintani waxba ka bedeli doonin go’aamadiisa oo u
xaqa ku taagnaan doono “Waxaan idin xusuusinayaa in aan cadaalada iyo
xaqa ku taagnaan doono oo aanay iga leexin doonin digniin, magac gub iyo
gacan haadis hoose midnaba”.
“Odaygaasi
Waxa Uu Ka Mid Ahaa Raggii Ciidanka La Soo Qabtay Raray, Hadalka Uu
BBC-Da Ka Yidhina Reer Buuhoodle Kuma Metelo”
Afhayeenka weftiga Somaliland ee Buuhoodle, ahna wasiir ku xigeenka
hawlaha guud |
Hargeysa, January 16, 2008 (Haatuf) – Wasiir ku xigeenka hawlaha guud C/rashiid
Ducaale Qambi, afhayeena u ah weftiga Somaliland ee uu hogaaminayo
gudoomiyihii hore ee Wakiilada Axmed Maxamed Qaybe oo todobaadkii hore u
amba-baxay degmada Buuhoodle, xiligana socdaal ku jooga, ayaa
faah-faahin ka bixiyey ujeedada socdaalka ay ku joogaan degmadaasi.
Weftigaasi oo isugu jira xukuumada iyo xildhibaano labada baarlamaan
kaga jira degaankaasi.
Wasiir ku xigeenka hawlaha guud C/rashiid Ducaali Qambi oo aanu xalay
kula xidhiidhnay khadka telefoonka isagoo ku sugan degmada Buuhoodle
ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya ujeedada socdaalka ay ku joogaan
degaanadaasi waxa uu yidhi “Weftigan oo uu hogaaminayo gudoomiyihii hore
ee wakiilada Md. Qaybe oo ay xubnana ka yihiin xildhibaan Maxamed Jaamac
Cabdi oo ka tirsan golaha wakiilada iyo xildhibaanada C/rashiid Faker
iyo C/raxmaan Cabdi Faarax oo iyaguna ka tirsan golaha guurtida,
ujeedada socdaalkayaguna waa mid la xidhiidha horumarinta, adkaynta
nabadgelyada degaanada Buuhoodle iyo sidii aanu bulshada ugu wacyi gelin
lahayn qiimaba nabadu leedahay. Dhinaca maamulka degmadanawixii aanu ka
qaban karno waanu ka hawl-galaynaa ilaa hadana waxaanu kulamo la
yeelanaynaa madax dhaqmeedyada iyo cuqaasha degaanka”.
Wasiir ku xigeenka mar la weydiiyey su’aal ahayd maamulka degmada
Buuhoodle ka dhisan ee dhinaca Somaliland waxa lagu tilmaamaa mid aan
taaba-gal ahayn oo aad u liita, arintaas adigu sideed u aragtaa, waxa uu
ku jawaabay “Horta maamulka degmada Buuhoodle ka dhisani waa mid ka
duwan qaabka maamulada magaalooyinka Laascaanood, Hargeysa iyo Burco u
samaysan yihiin, waana maamul ku dhisan farsamo miyir qabta, inkasta oo
aanu maamulka dhisani ahayn mid taabo gal ah, hadana waa maamul ka
muuqdo maamulada ay Puntland ka soo samayso degaanadaasi”:
S: Waxa jirtay in ciidamada Somaliland todobaadkan gudihiisa ay hawdka
magaalada Laascaanood ka soo qabteen taliyihii aaga bariga Puntland iyo
labaatan ciidankiisa ah, taasi oo la sheegay in ciidankaasi ay ahaayeen
dhalinyaro ka soo jeeda degmada Buuhoodle, arintaas sideed u aragtaa?
J: Horta raga kornaylka Deyr dagaalkaasi u abaabulay horaanu ugala
hadlanay oo ugu sheegnay in aanu degaanka colaad ka hurin, hase ahaatee
odayaal ka mid ah degaanka ayaa la sheegay in boqol inan ay u soo
ururiyeen, kuwaas oo 40 ka mid ah la hubayay, 60-ka kalena ay faro
madhnaayeen, hase ahaatee iyagoon la layn ayaa ciidanka qaranku
dhalinyaradaas soo qabteen, isagoo uu ku jiro korneylkaasi, arintaasina
way soo afjarantay, hadhaagii dhalinyaradaas la qaldayna wada hadalo
ayaanu la wadnaa, dhowaana waxaanu rajaynaynaa in qaab ciidan loo
qarameeyo.
S: Waxa jirtay dhowaan in Maxamuud X. Cumar oo ka mid ah odayaasha
degaanka Buuhoodle BBC-da ka sheegay in aanay ogolayn wax mucaawino ah
oo uga yimaada dhinaca Somaliland, isla markaana maamulka Somaliland
aanay ogolayn dadka degaankaasi, arintaasi sideed u aragtaa?
J: Horta hadalkaasi uu ninka Maxamuud X. Cumar ka yidhi BBC-da cid reer
Buuhoodle ah oo uu kala shiray ama uu kalsooni kaga haystay may jirin,
waxaanu ahaa hadal isaga u khaasa oo aanu shicibka reer Buuhoodle ku
metelin, hay’adaha samofalkana in la nabadgeliyo oo aan wax hagardaamo
ah loo geysana dawlad ahaan iyo shicib ahaan way naga go’an tahay,
waxaanu ka mid ahaa raggii raray ciidankaa maxaabiista ahaanta loogu soo
qabtay, dadweynaha reer Buuhoodlena waa reer Somaliland, waanay u
midaysan yihiin madaxbanaanida iyo gooni isku taaga.
"Waxay
Mashaariicdaasi Ku Xidhnaanayaan Shan Gudi Hawleed, Oo Dhaqaajinaya
Mashaariicda Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga, Deegaanka Iyo Reer
Miyiga”
Wasiirka Qorshaynta Somaliland |
Hargeysa, January 16, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Qorshaynta Somaliland,
Cali Ibraahim Maxamed [Cali Sanyare], ayaa shalay furay shir lagu
daraasadeynayo qaabkii loo wada fulin lahaa mashaariicda dib u dhis ah
oo la filayo in dalka Somaliland laga hirgeliyo shanta sannadood ee soo
socda.
Shirkan, oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka
soo qeyb galay wasiiro, Mudanayaal ka tirsan golayaasha baarlamaanka,
maareeyayaasha hay’adaha dawliga ah, Ururada bulshada rayidka ah iyo
Hay’adaha Qaramada midoobay iyo kuwa samo-falka ee dalka ku sugan.
Wasiirka Qorshaynta Somaliland, Cali Ibraahim Maxamed [Cali Sanyare], oo
sharxaya ujeedada shirku waxa uu yidhi. "Shirka aynu maanta (shalay) u
fadhinaa waxa uu ku saabsan yahay maareynta deeqda iyo isku dubo-ridka
wada shaqaynta fulinta barnaamijka dib u dhiska Somaliland, waxana aynu
ka hadlaynaa isku duwida wax wada qabsiga Somaliland iyo
deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah". Waxaanu intaa ku daray "Waxa shirkan
lagaga hadlayaa waa laba arrimood, maareynta deeqaha iyo fulinta sidii
la iskaga kaashan lahaa, ee looga wada tashan lahaa socodsiinta
Barnaamijka [RDP] , sida laga war qabo waxa laga soo gudbay samaynta
qorshaha barnaamijkaas, oo bishii November ee la soo dhaafay ayaa laga
shiray, dibna loogu noqon maayo".
Wasiir Sanyare, waxa uu iftiimin ka bixiyay masuuliyadaha kala duwan ee
hirgelinta mashaariicda dib u dhiska Somaliland, ay ka qaadanayaan
xukuumada iyo Hay’adaha caalamiga ahi, waxaanu yidhi "Haddii aynu nahay
xukuumada iyo shacbiga Somaliland, masuuliyad weyn ayaa ina saaran,
xilka aynu qaadnay waxa kow ka ah in la xaqiijiyo in deeqaha dalka
imanayaa ay gaadhaan meeshii iyo dadkii loogu talo galay, xaga bahweynta
Hay’adaha caalamiga ah waxa iyagana laga doonayaa inay deeqdii ay balan
qaadeen oo ay badka soo dhigaan, oo sanad kasta wixii loogu talo galay
ay keenaan, oo aynu kula xisaabtano, inagana ay inala xisaabtamaan".
Wasiirka qorshayntu waxa uu sheegay in hirgelinta mashaariicdaasi ay
noqon doonaan 7 mashruuc oo waaweyn, oo kala ah Waxbarashada,
Caafimaadka, Biyaha, Kaabeyaasha dhaqaalaha, maamul wanaaga, kor u
qaadida nolasha iyo sidii loo hiigsan lahaa in isku filaansho laga
gaadho wax soo saarka beeraha, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu
yidhi "Waxay mashaariicdaasi ku xidhnaanayaan shan gudi Hawleed, oo
dhaqaajinaya mashaariicda Beeraha,Xoolaha, Kalluumaysiga, deegaanka iyo
reer miyiga, waxa isna mashaariicda garab soconaya ka hortaga xakamaynta
iyo ka hortaga HIV/AIDS-ka".
"Waxa aynu doonaynaa in is bedel lagu sameeyo, sidii hore ee loo fulin
jiray mashaariicda, oo waxa aynu arki jirnay mashruuc yar oo Hay’ad la
daba cararo lacagtana iyada la soo mariyo, oo wasaarad ama dad koobani
daba socdaan, waxa imika aynu fulinaynaa mashaariic iyo Barnaamijyo
waaweyn, waxana la doonayaa in isbedelo waaweyn la muujiyo" Ayuu Wasiir
Sanyare hdalkiisa ku daray.
Waxa kale, oo shirka ka hadlay Alperto, oo ka socday Midowga Yurub, iyo
Pall Cook, oo ka socday Qaramada Midoobay, waxana ay tilmaameen in ay ku
faraxsan yihiin, sida ay u socdaan qorshaha Barnaamijka dib u dhiska
Somaliland, waxana ay shirka kaga dhawaaqeen inay fulinayaan wixii
dhinacooda ku xidhan. Top
| Ciidamada
Mbagathi Oo Dagaal Fool-Ka-Fool Ah Iskaga Soo Horjeeda Meelo
Muqdisho Ka Mid Ah |
Muqdisho, January 16, 2008 (Haatuf) – Sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada
Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho Axmed Sh. Muxyadiin (Qoorleex) kooxo
ku lebisan direyska ciidamada dowladda Mbagathi ee Soomaaliya ayaa
dhaawacay habeenkii xalay mid ka mid ah Guddoomiye ku-xigeennada Gobolka
Banaadir.
Sida uu sheegay Guddoomiye Axmed Qoorleex mas'uulkan ka tirsan
ku-xigeennada maamulka Gobolka Banaadir kooxihii hubeysnaa ee dhaawaca u
geystay way baxsadeen, wuxuuna ku eedeeyay dhaawiciisa kooxaha ku kacsan
dawladda Mbagathi oo uu sheegay in ay ku lebisnaayeen direyska ciidamada
dawladda, isagoo xusay in kooxahaas sumac-ddaro ay u soo jiidayaan
dawladda iyo ciidamadeeda, isagoo aan sheegin inay ciidamada dowladda ka
mid ahaayeen kuna tilmaamay kuwo direyska ciidamada soo xidhay.
Dagaal la isu adeegsaday hubka darandooriga u dhaca ayaa dorraad qarxay
isgoyska Hawl-wadaag ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa Bileyska oo ka
wada tirsan ciidamada dawlada Mbagathi, dagaalkan labada ciidan dhex
maray ayaan la ogayn khasaaraha dhabta ah ee ilaa hada u geytay dagaalka
oo soconaya awgeed.
Sababta dagaalkan ayaa lagu xidhiidhinayaa in ay keentay sida ay
sheegayaan dad ku dhowaa meesha dagaalku ka socday, saraakiisha kala
hogaaminaya labada ciidan ay iskaga hor yimaadeen gacan ku haynta
goobaha dhaqaalaha ee kantaroolo cayiman oo gaadiidka lacag lagaga qaado.
Dhinaca kale waxa istaagay isu socodkii gaadiidka u kala gooshi jiray
suuqa weyn ee Bakaaraha iyo deegaanada loo barakacay ee degmada Wadajir
iyo Dharkaynley oo ah deegaanada ugu badan ee loo barakacay taasoo
xilliyadii ugu dambeeyay gaadiidka dadweynuhu isticmaali jiray wadada
weyn ee Maka Al-Mukarama taas oo shalay haba-yaraatee xidhnayd dagaalka
ka jira awgeed.
Ilaa hada ma-Cada sababta dhabta ah ee ka dambaysa dagaalka u dhaxeeya
labada ciidan ee dawlada Mbagathi wallow la hadal hayo arrimo badan sida
ay tibaaxayaan dadka qaarkood ayaa sheegaya inuu salka ku hayo dagaalku
arrimo siyaasadeed, halka wararka qaarkoodna sheegayaan inay ciidamadani
isku hayaan gacan ku haynta kantaroolada ee ilaha dhaqaalaha ka soo
galaan ciidamada ee ay ka qaadaan gaadiidka isticmaala wadooyinkaasi.
Maaha markii u horaysay ee ay iska horimaad hubysan dhex maro ciidamada
Bileyska iyo kuwa milateriga ee dawlada Imbagati, todobaadkii hore
dabayaaqadiisii ayay ahayd markii dagaal xoog-lihi ku dhex maray labadan
ciidan deegaanada Shabeelaha hoose gaar ahaan meelo ka tirsan degmada
Wanlla-Weyn halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 5 askari oo labada
dhinac ah.
| Wasiirada
Daakhiliga Iyo Xidhiidhka Golayaasha Oo Kulan La Yeeshay Odayaasha
Iyo Waxgaradka Gobolka Awdal |
Boorama, January 16, 2008 (Haatuf) – Wasiirada arrimaha gudaha iyo
xidhiidhka Goleyaasha Md C/iraxmaan C/laahi Ismaaciil Cirro iyo Cabdi
Xasan Buuni ayaa shalay Boorama kula shiray xubno ka tirsan
madaxdhaqameedyada iyo waxgarad ka tirsan dadweynaha magaalada Boorama.
Kulankan oo ay ka soo qayb-galeen Xoghayaha Maamulka Gobolka Awdsal C/laahi
Xuseen Aare, Guddoomiyaha Golaha degaanka Boorama C/raxmaan Shide Bile
iyo masuuliyiin kale, ayaa ugu horeyn waxa khudbad soo dhaweyn ah
halkaasi ka jeediyey guddoomiyaha Golaha degaanka Boorama, isagoo
wafdiga u sheegay xaaladda nabadgelo ee magaalada, saamaynta uu dagaalka
beelahah Haddawi (Harawa) ku yeelan karo amniga Guud iyo sida dadweynuhu
haatan ugu tabaabusheysteen wax ka qabashada arrintaas. Sidoo kale
Guddoomiyaha golaha degaanku waxa uu wafdiga uga warramay arrimaha
horumarinta magaalada iyo dedaalka maamulka golihiisu ku doonayo inuu
arrimahaasi uga qayb qaadan doono.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo isaguna halkaasi odayada kula
hadlay ayaa ka warramay socdaalkiisa magaalada Boorama iyo arrimaha
horyaalla maalmaha uu joogo inuu ka shaqayn doono. Waxaana wasiirka oo
arrimhaasi ka hadlayaa uu yidhi “Socdaalkaygu waxa uu ka mid yahay
kormeerada aan maamulka dawladnimo ee gobolada dalka ku eegeyo, isla
markaana wixii talooyin ah aan u sheegeyo maamulada.
Waxa socdaalkaygan iga soo dhex galay xaaladda colaadeed ee ka taagan
jiidda Harowo, taas oo leh ahmiyadda koowaad oo aan ku doonaynno inaan
shicib iyo dawladba iskaga kaashanno sidii loo joojinn lahaa xaaladdaasi
colaadeed, beelaha halkaasi ku dirirayana u kala joojin lahayn. Waa dhul
waxa la isku hayaa, dhulkana mushkiladdiisu annagoo Somaliland ah khatar
buu nagu hayaa. Sharcigii dhulka ee Golihii baarlamaanka ee hore
ansixiyey oo wax yar uun laga beddeli lahaa ayaan baarlamaanka dalka
hadda ka jiraa meeshiiba ka soo qaadin, waana dhib innagu soo socota.
Waxaan culimada diinta ka codsanayaa inay masaajidyada kala hadlaan
dadweynaha sidii loogu gurman lahaa colaaddasina looga shaqayn lahaa.
Kolley waan joogi doonaa maalmo, wixii dhimanna waan ka wada hadli
doonaa”.
Sidoo kale wasiirka xidhiidhka Golayaasha Somaliland ayaa isaguna dadkii
halkaa isugu yimid ku wargeliyey ama xusuusiyeyba arrin ku saabsan
ururinta taakuleynta gobolada Bari, Sool iyo ciidamada qaranka, isagoo
arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “doorkii hore ee aan halkan idinla
joogay waxan ka hadlay in laga hortago arintan colaadeed ee ka taagan
Harawo, wakhtigaas oo labada dhinacba ay isku hub urursanayeen. Inkastoo
maanta ay isku dhaceenna weli xaaladdu meel xun ma gaadhin, waxaana
deminteeda heegan u ah dadweynaha Somaliland oo dhan, dawladda iyo dalka
deriska ah ee Itoobiya.
Waxa intaa ii dheer waxa la innaga sugayaa qaadhaankii aan ugu
talo-gallay taakuleynta ciidamadeenna jiidaha hore iyo dadka reer Sool.
Arrintaasi waan ka xumahay inay wakhtigaa innala soo gaadho, degdeg
bayna ahayd in waxaan haysanno aan qarankeenna iyo dadkeennaasi ku
taakuleynno. Waxan haatan ku tallaabsanaynaa inaan sidii reer Hargeysa
aan cid walba amar ku siinno qaddarka lacageed ee laga doonayo, annagoo
marka hore shiishka saareynna sida dhaqaalaha ganacsatedeennu u kala
roon yahay, annagoo la kaashanaynna laysannada ay dalawda Hoose ee
Boorama bixiso. Waxaan ugu dambayntii idiin soo jeedinayaa inaad si
firfircoon uga qayb qaadataan hawlahaasi taaakuleynta iyo kala
badbaadinta beelahah walaalaheen ah ee colaaddu u dhaxayso sidii nabad
looga dhex dhalin lahaa”.
Wasiirka kaddib waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Cabdi Jaamac Dhawal
oo wafdiga u sheegay in qaadhaankii laga doonayey bulshada uu ka mid
yahay salaadiinteedu uu haatan gebogebo ku dhawyahay in la dhammaystiro.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Caaqil Ismaacil Axmed Geelle oo
ka mid ahaa ergedii dhexdhaadinta ka gashay beelaha Harowo isku haya,
isagoo sheegay in dhibaatooyin dhaqaale la soo derseen ergedaasi, siina
wadi kari wayeen kala dhex joogidda beelahaasi dirirtu ka dhxayso.
Intaa kaddib, waxay wasiiradu kulan gaar ah la yeesheen xubno ka tirsan
ergedii dhex-dhexaadinta ka gashay jiiddaasi sannadkii hore, si ay uga
wada hadlaan sababta keentay dirirtaasi iyo halkii laga bilaabi lahaa
heshiiska la doonayo in lagu kala joojiyo.
| ODHAAHDA
AKHRISTAHA: Nuxurkii Shirkii Hogaamiyeyaasha Qaran Ee Ka Dhacay
Finland |
Maalintii shalay (Axad) galabnimadeedii ayay ahayd markii uu 14.30
galabnimo furmay shir ballaadhan oo isugu jiray dhawr arrimood iyaga oo
uu shirarka caadiga ah kaga duwanaa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo kasoo
qaybgalay shirkan Helsinki ka dhacaya isaga oo xafiiskiisa magaalada
Pisa ee dalka Talyaaniga fadhiya.
Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne aad u tiro badani, ayaa lahaa
saddex ujeedo. Ujeeddooyinkaas oo kala ahaa gardaadin ama bandhig buug
cusub oo uu qoray Dr. Jaamac Muuse Jaamac lana magac-baxay "Gobonnimo
Bilaash Maaha", warbixin iyo wacyi-gelin ku saabsan wadanka guud ahaan,
gaar ahaanna horumarinta gobollada bari.
Haddaba, furitaankii iyo kelmad yar oo kooban kuna saabsanayd is-xusiisinta
Illaahay oo Sh. Cabdisamad Aw Daahir jeediyey kedib, waxa dadkii madasha
fadhiyey mar-qudha ku war heleen Jaamac Muuse oo gidaarka dadka ka
horeeya ka muuqda salaan gacaltooyana ku bilaabay hadalkiisii. Haddaba,
hore ayuu Illaahay u sheegay in bani aadmiga wax kasta loo sakhiraye,
waxay tani ka dambaysay markii ay Dr. Jaamac u suurtoobiwaayey safarkii
uu Finland ku iman lahaa isaga oo hore ugu qornaa barnaamijka shirka oo
in muddo ah la qabanqaabinayey. Dr. Jaamac, oo kamid ah inta yar ee
aqoontooda iyo garashadoodu jiifka iyo joogga u diideen ee isu taagtay
horumarinta garaadka dadkooda inta afsoomaaliga ku hadasha ayaa
barnaamijka ku bilaabay hadal kooban oo ku saabsan nuxurka buugga iyo
waxyaalihii ku kalifay in uu qoro. Waxay u baahantahay safxado dhaadheer
in lasoo koobo hadalladii dhaxal-galka ahaa ee ku wareegayey qaybaha
gobonnimada iyo macnayaasha ballaadhan ee ay huwan tahay. Waxase xusid
mudan, murtidii uu qoraagu ku bilaabay hadalkiisa buuggana ku qoran taas
oo tilmaamaysay dareenka ku kalifay in uu buuggan qoro oo ah sidii uu
dadweynaha gaar ahaan dhalinyarada ugu gudbinlahaa qiimaha gobonnimadu
leedahay wuxuuna yidhi isaga oo soo xiganaya Xassan X. Cabdillaahi Xasan
(Xassan Geney) markuu lahaa:
Xornimo in ay qaali tahay
Xalaal Gobannimadu tahay
Calanka loo qubay xinjiro
Xabaal geesi ugu dhacay
Inuu xeeldheere yahay
Xilkuna uu saaran yahay
Dadweynahan xaadirka ah
Sideen u xusuusiyaa
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaalidu xoogga saaraan halganka
gobonnimada loogu jiro hase ahaatee ilaashadka gobonnimadu ka muhiimsan
yahay raadinteeda. Waxa kale oo uu tilmaamay in dad waliba leeyihiin
cadaw halis ku ah gobonnimada isaga oo tilmaamay in aanay Somalidu
lahayn halis qabyaaladda ka weyn oo gobonnimada wax u dhima. Dr. Jaamac
waxa uu nuxurkii hadalkiisu ahaa, ahmiyadda dustuurku leeyahay iyo in ay
lagama-maarmaan tahay in qof waliba khaas ahaan dhalinyaradu ogaadaan
xuquuqda iyo waajibaadka faraha badan ee ku duugan dustuurkeenna si ay
gobonnimadooda u ilaashadaan. Waxa uu qoraagu xaqiijiyey in aanuu
buuggiisan u yeelin xuquuqda qoraalka (copy right) isaga oo sheegay in
uu qof kasta u furan yahay in uu faafiyo oo sii daabaco ujeedadiisuna
tahay fiditaanka dustuurka.
Intaa kedib, waxa iyaguna hadallo koobkooban buugga cusub iyo mawduuca
gobonnimada ka hadlay masuuliintii qaranka ee shirka joogtay Xil.
Maxamed Cali Xirsi, Gud. Faysal Cali Waraabe iyo Gud. Cabdiraxmaan M.
Cabdillahi. Su’aalo, talooyin iyo guubaabo ayay u badnaayeen hadalladii
kale ee dadweynihii shirka kasoo qayb galay.
Intaasi markay dhammaatay, waxa loo gudbay qaybtii labaad ee shirka oo uu
furay xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo beryahanba safarro is-daba-jooga
ugu jiray wacyigelinta la xidhiidha horumarinta gobollada bari ee dalka.
Xildh. Maxamed oo ah nin dhalinyar Illaahayna ugu deeqay firfircooni iyo
hadal miisaaman, ayaa ka waramay heerarkii horumarka ee dalku soo maray
ilaa iyo intii uu ka gaadhayey tilmaamo cad-cad oo uu ka bixiyey faraqa
u dhexeeya gobollada kala duwan ee wadanka tilmaanna ka bixiyey sida ay
u kala tageen gobollada isla markaana loogu baahan yahay in la isa goo
gaadhsiiyo. Waxa uu xildhibaanku warbixin ka bixiyey guddiga qaranka ee
horumarinta gobollada bari qaabkii lagu soo dhisay iyo inta xubnood ee
ay ka kooban yihiin isaga oo sheegay in ay aragti ahaan ka timid
xisbiyada mucaaradka ah sidaa darteedna loo baahan yahay in ay axsaabta
mucaaradka ahi ka hadlaan. Xildhibaanku waxa uu wax ka tilmaamay
qorshayaasha loogu talogalay in gobolladaa lagu hormariyo iyo sida loogu
baahiqabo in ay qurbajooggu kaalin weyn ka qaataan.
Waxa ka xigay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo
warbixin dheer ka bixiyey waayaha wadanku ku sugan yahay gaar ahaan
gobollada bari oo uu sheegay in uu ahaa masuulkii qaran ee ugu sareeyey
uguna horeeyey ee booqda jiidda hore ee bari. Waxa kale oo uu Faysal
tilmaamay in xisbiga UCID yahay xisbigii ugu horeeyey ee xafiis ka furta
magaalada Laascaanood ee calan xisbi ka taaga. Intaa kedib, waxa uu
guddoomiyuhu ku dheeraaday in isbedel wadanka looga baahan yahay hase
yeeshee ay tahay in isbedelkaasi ku yimaado qaab sharciya oo xalaala.
Waxa uu Guddoomiye Faysal naruuro ka muujiyey tirakoobka la qabanayaa in
uu yarayndoono musuqmaasuq badan oo fasaadiya doorashooyinka soo socda.
Intaa kedib, waxa uu Faysal ka hadlay BBC-da oo wadda tallaabooyin ay
colaad kaga abuurayso Somaliland godaheeda isaga oo tilmaamay in ay
hurinayso khilaafka ka jira bariga Somaliland oo waraysiyo colaad hurin
ah la yeelanaysa ashkhaas aan cidna metelin xilna haynin.
Aakhirkii, waxa shirkaa ka hadlay Guddoomiyaha G. Wakiilada Md.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi oo hadal kooban kaga waramay xaaladda
guud ee dalku marayo isla markaana ku guubaabiyey dadweynihii shirka
kasoo qaybgalay in ay reer Finland kaalintii lagu yaqaanay ka galaan
hirgelinta qorshaha horumarinta gobollada bari ee guddida qaranku wado.
Waxa kale oo guddoomiyuhu ka waramay waxqabadkii golaha uu guddoomiyaha
ka yahay isaga oo ka jawaabayey su’aalo la weydiiyey oo ku saabsanaa.
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay dhalinyaro iyo masuuliin kale iyaga oo
xisbiyada qaarkood tilmaamay in ay ka hawgalayaan sidii ay uga
qaybqaadan lahaayeen mashruuca horumarinta gobollada bari. Waxa lagu
ballamay in mar kale reer Finland isaga yimaaddaan sidii ay u hirgelin
lahaayeen hawlaha wixii kaga soo aadan.
Helsinki, Finland
| Guddoomiyaha
Guddiga Siyaasadda Ee UDUB, Libaaxyo Hurda Ayuu Isku Toosiyey! |
Guddomiya Guddiga Siyaasadda ee UDUB, ma hayaa Xilkan uu sheegtey, oo
Siyaasadda Hoggaan ee Maamulka Dalka ma lagala tashadaa?!!, ma sheegi
karaase wax lagu qanci karo oo khilaaf Doorasho lagu furdaaminayo!!
Ummadda Somaliland, si fiican ayey u baratey hab dhaqanka kooxda tirade
yar ee loo adeegsado maqaar-saar ahaanta, kuna tilmaaman Guddiga Fulinta
ee Xisbigaas. Xisbigan oo Siyaasaddiisa asaasiga ah ay saldhig u tahay
in aan umuuraha laga run sheegin, sida aynu ku barannay kuwa ay daba
socdaan ee hoggaamiya laftooda. Xisbigu waa xafiis propogaandhe ee kuma
laha wax talo ah iyo wax ta’siir ah midna, Siyaasadaha Maamulka!!. Mr.
Cumar oo haddaba ay kaga dhegtay beryahan dambe in uu Kulmiye shaqo ka
dhigto, waxaa uu ka hadley walaac Kulmiye ka muujiyey, in la helo
Doorasho xor ah oo xalaal ah, wax lagu qanci karo oo u meel yaalla
Maamulka iyo Axsaabta oo haddii Muran Doorasho yimaaddo lagu
maareynayana muu sheegin. Mas’uulnimaduna maaha in qofka cajalad lagu
soo duubey ka dhex hadasho ee waa in uu waxa uu sarey, isla markaaba
saafo oo uu madmadowga ka saaro, waa haddii uu garanayo waxan uu ka
hadlayo.
Inanku waxa uu inoo sheegey in uu yahay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda
ee Xisbiga Talada Dalka haya , waxa uu qirayaa in uu yahay Mas’uulka
koowaad ee talabixinta Siyaasadda ah in Xoolaha Somaliland Carab Sucuudi
ah loogu Xidho $36 isla Markaana laga dhoofiyo Jabuuti , xoolo ay
jabuuti leedahay ahaan yahay, in uu yahay Mas’uulka koowaad ee Shidaalka
qaranka in ay Jabuuti oo Tootal meteleyso ay Gacanta ku hayso, iyada oo
Ganacsatada Somaliland oo aqoontii iyo Maalkiiba leh, lagaga
horjoogsadey, isla markaana Wakaaladdii Patroolka Ummadda , Maamulkani
sameyn waayey!! Macnaha Siyaasaddan ku jira Cumar ma sheegi karaa? Yey
sidanu dan u tahay?
Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee UDUB, Ummadda Somaliland ma u sheegi
karaa sababta Dalkan Maamul ahaan saddex Gobolba lacag Gooni ah u
leedahay? Sow siyaasad ay Udub Saddexna Somalilandnimo ku maamusho ,
saddexna Federaalka Cabdillahi Yuusuf uga wakiil tahay maaha? Mr. Cumar
isaga ayaa dalbadaye, laas-caanood mashaqadeedu ilaa 2003dii wey
taagneyd,waxa ay waqtigan kala guurka ah , Mashruuc Udub u noqotey ma
sheegi karaa? Laas-caanood waan qabsaney, Buuhoodlena baaqayada iyo
boobka lagu dhigey gaadiidkii gergaarka sidey waa la wada ogaa oo wey ka
maqan tahay Maamulka Somaliland, inanku Siyaasadda halkuu ka soo raacay?
Waxaanu fasiraad u dooneynaa , lacagtii lagu beddeli lahaa Giimbaarta ee
Burco ugu jirtey, Cumar haddii uu Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda ee
UDUB yahay , halka ay ku dambeysay iyo sababta ay u hirgeli weydey uu
ummadda Somaliland ka raarido!! Idaacaddii labada Miisaaniyadood ee is-xiga
nalagaga iibiyey, halkey ku dambeysay iyo Sababta doorashadii shanta
sannadood UDUB u haysatey inay qabanqaabiso , Diisambartii inna
dhaafteyna ay dhacdo, wax la garowsado oo ishortaagayna jirin waxa ay u
dhiciwaayeen, ee is-qabqabsi hay’adihii hoggaanka qaranka oo Maamulku
sababay ay waqtiga ugu iibsadeen , sow xeelado caddaan ah oo
Doorashooyinka laga warwareegayo may ahayn?.
Marka laga hadlayo Doorasho, hadii uu cumar ogyahay iyo haddii kaleba ,
waa in uu jiraa Maamul Caddalad u dhaqmaya oo Distoorka iyo Shuruucda ku
hagaya Maamulkeeda . Ninka uu kulmiye la tartamayaa, awoodihii Maamul oo
dhan ayuu gacanta ku shubtey, Gole Guurti uu isagu amrey inay isu
jadiidiyaan Xilka, ayaa hawlgal ah, toddobada xubnood ee Guddiga
Doorashooyinka qarankana , iyaga oo wadajir ah shan ayey soo magacaabeen!!
Marka lagu daro, xubinta UCID oo beryahanba , markhaatigii cadheys ciise
, Maamulka ula taagan , haddii qaraar kasta oo Guddiganu soo saari-doono
uu ku dhisnaan doono codeynta Guddiga, waa maxay Caddaladda laga
hadlayaa qadiyad 1: 6 ah !!? Tii kibaaki oo kale haddii ay dhacdo, sow
maaha Kulmiye Maxkamadda Sare ha u ashkatoodo, macneheeduna yahay ,
Hay’ad Madaxtooyada ay isku Milan yihiin miciin mood? Xeer – Ilaaliyahii
Guud ee Dalka, ee iskala weynaadey Golahii dhammaa ee Ummaddu sida xorta
ah u soo igmatey ee Baarlamaanka, diideyna in uu hortago si wax looga
weydiiyo hawlihiisa, arrintii suxufiyiinta Haatuf, isaguna dhexdhexaad
kama noqon karo, waayo caddaladda ayuu is-hortaagey oo qaddiyad Musuq
ahayd asalkeedu, aflagaadana loo afduubey ayuu ahaa in uu ka run-sheego
waanu diidey!!. Guddoomiye Cumarow, sakaaro , saalo muuqata ayey aas is
tidhaahdaaye, UDUB dad ma abuuri karto, waanad ogtihiin in laga dareeray
xisbiga aad adigu guddoomiso guddigiisa Siyaasadda , Xeelad kale uu aan
ahayn adeegsiga gacmaha Maamulka Doorasho oo aad rajo ka qabtaan ma
jirto iyo Xaalad abuurkan Cawrada ah ee Mashruuca Las-Caanood , oo
Guurti aan iyaguba sifo sharci ahayn, Guddigan sameyska ah ee Doorasho
ee aad lixda xubnood gacanta ku haysataan iyo Maxkamaddan Sare ee
Madaxtooyada laga hoggaamiyo isku halleynteeda, waxase idinka maqan
inaydaan arkeyn, raggii hasha lahaa oo dabada haysta , waxaan caddaalad
ahaynna mareyn, una soo jeeda doorkan inay kaabad xajartan Dalka lagu
soo habaarey uga jaheeyaan si sharciga waafaqsan!!.
Ummadda Cumarow waxa ku filan oo aanay UDUB buste saari Karin,
warshaddii sibiodhka ee labada Doorasho-madaxweyne la dhagax dhigey!!
haddana gudhey!! Khayraadkan badda ee heshiisyada aan shuruucda
waafaqsaneyn, Golayaasha xeer Dejintuna ka warqabin ee wasiiradda udub
hantidii qaran ku boobayaan , baddana ku Xaalufiyeen!! Idaacadda labada
jeer ummadda laga iibshey ee haddana aan raad iyo cidhib meel ay dhigtey
la hayn, Daba-qoodhiga Madaxda mujaahidiinta ah ee qaran ee Maamulkanu
halka ay istaagaanba ka dhaqaaqa leeyahay !! Qisadii Boorame mid la
illaawi karo ma noqoneyso oo shuruuc wey ka baxsaneyd arrintu!! Inanka
KULMIYE ayuun bay ka qabsatee, ha ogaado in ay arrintu tahay Somaliland
vs UDUB!!. Tartanka Milleniumka koobka Kubbadda Siyaasadda qaranka
Somaliland ciyaartuye, aanay ahayn dictaatooriyad ee xeelado
nabadsugideed waxa meesha yaallaa!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed, Hargeysa
| Qormo (An
Article): Qalinka Iyo Qoraaga |
Illaahay baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxiisi korkiisa ha
ahaato Nebigeenii suubanaa Muxammad Ibn Cabdilaah SCWS. Kii ugu
danbeeyay Nebiyada iyo Mursaliinta Alle soo diray iyo kuwa hanuunintiisa
ku daba galay illaa maalinta u danbaysa.
Maqaalkan waxa aan jeclaystay in aan kaga hadlo ujeedada mawduuca "Qalinka
Iyo Qoraaga", oo iska fudud marka sidaas loo eego LAAKIIN u baahan in
labadaba la tixgeliyo macnaha ay u taagan yihiin.
Qalinka.
Qalinku marka uu hortaada yaal ama uu jeebkaaga ku jiro ama aad qof
weydiisato in aad wax ku qorto ee aad gacantaada ku qabsato qiimhiisa
waxa loo arkaa shey iska caadi ah in wax lagu qabsado. Haseyeeshee
qalinku waa kii uu Alle ka dhex doortay inta badan qalabka wax lagu
qabsado.
Quraanka. Eeg suuradda Al-Calaq Lam: 96 Aayadaha 3 & 4. Sidoo kale eeg
suuradda qalinkaba loogu magac daray - Al-Qalam ee Lam: 68 aayadda 1aad.
Halkaas oo uu Allaah inoogu muujiyay mid ka mid mucjisooyinka qalinka.
Taas oo ina tusaysa xuska uu Eebe si gaar ah u xusay qalinka ee ugu
dhaartay.
Sidaas darteed. Waxa aynu ogaanay in uu qalinku yahay shey qadarantiisa
iyo qiimahiisa mudan oo aanay haboonayn in sinaba loogu gefo waxa uu
qorayo iyo sadarada loo adeegsaday oo ay tahay meel-ka-dhac iyo gef Eebe
laga galay haddii si guracan ama been loo adeegsado qoraalkiisa qalinka.
Qoraaga.
Somalidu waxa ay gashay xilli cusub oo uu batay qoraagu. Weliba inta la
helay qalabkan Internetka iyo Warbaahinta la xidhiidha. Halkaas oo ay
tiro bateen mareegaha kala duwan ee saxaafadda loo adeegsado iyo qoraaga
oo ku tartamaya qoraalkooda ujeedooyin kala duwan. Mid war soo qoray.
Mid ra'yi iyo fikraddiisa ka hadlay. Mid u adeegsaday iclaam iyo aqoon
is weydaarsi iwm. Haseyeeshee qoraaga dhabta ahi waa laba nooc ( laba
qof ):
Qof (Qoraa’) waxa uu qoray run ka sheegay oo lillaahi iyo ammaano
fuliyay.
Qof ( qoraa' ) waxa uu qoray la akhrisan karo oo qaabkii qoraalka
waafaqsan.
1. Qoraagu wixii uu qoray haddii aanu run ka sheegin. Waxa uu ku
sifoobayaa beenaale. Beenaaluhuna xero ma leh ama xeradiisu waa naarta.
Waana qof aan tix gelin xushmadda iyo xishoodka oo dadnimadaba ka dhacay.
Haddii la bartana looma noqdo in la akhisto wax uu qoray ama uu qori
doono mar kale oo waa beenaalihii la bartay sida mareegaha qaarkood..
2. Qoraaga wixii uu qoray la akhrisan kari waayay waa dhibaato. Isaguna
is daali dadkiina daali. Waqti badanna khasaaree. Waxna lagama korodhsan
qoraalkiisa oo liita, khaldan ama aan waafaqasanay qaabkii qoraalka
fiican loo qori jiray. Taas oo haddii uu adeegsan lahaa qaabka loo
yaqaan afka qalaad,"Punctuations" ama "Tarqiim" ee ah isticmaalka;
joogsiga, hakadka, faqradaha iyo dhigaalka xarfaha weyn goorta ay ku
haboon yihiin dhigaalka ( Capital letters ), calaamadda su'aasha,
calaamadda la yaabka, hakadyada isku soo jeeda iyo kuwa kala jeeda,
jiitinta iwm, uu ahaan lahaa qoraalkiisu mid qurux badan oo la jeclaysto
akhrintiisa.
Dad badani wixii uu qoraagu ku daalay in uu ku soo bandhigo qoraalkiisa
oo laga yaabo in uu maalmo dhan isla janjeedhinayay. Waxa ay ku
danbeeyaan hal bacaad lagu lisay. Haddii aanu habkii qoraalku u dhammayn.
Waayo waxa dhibay akhristaha in uu marba is dul taago eray iyo weedh
laga tegay tarqiimka "Punctuations"! Taas oo macnaha qoraalka iyo
hadalka lagu kala saari karo.
Tusaale: Hakadku ( , ) qof waa dili karaa waana badbaadin karaa ( A
comma can kill a man )! Waxa looga jeedaa oo ay ka dhigan tahay haddii
la dhigo hakadka ( , ) qoraalka meel aanu lahayn iyo meel uu leeyahay
laba macne ayuu samayn karaa isla weedh erayadu isku mid yihiin sida
weedhan soo socda:
Kill the man, not to live. Dil ninka, yaanu noolaan.( Markan waad dishay
ninkii )
Kill the man not, to live. Dil ninka, ha noolaado ( Markanna waad
badbaadisay ninkii ).
Sidaas oo kale waxa ka dhigan. Isticmaalka xarafka weyn ( Capital Letter
). Isticmaalka xarafka weyni waa muhim qoraalka. Waayo:
Waxa uu kala qaybiyaa weedhaha iyo joogsiga jumlad hadal ah oo
xidhiidhsan.
Waxa uu si fiican u muujiyaa xarafka weyni dhigaalka magaca gaarka ah
iyo magac-u-yaalada.
Tusaale: Waxan ahay Maxamed ( I am Mohamed ) Haddii la qoro sidan:
waxaan ahay maxamed ( i am mohamed ). Waxa uu shaki geli karaa in
xarafka ( i ) uu yahay xaraf iyo in uu yahay magac-u-yaal ( Pronoun ).
Sidoo kale erayga "maxamed" waxa laga shakiyi karaa in uu yahay magac
gaar iyo in uu yahay magac ama eray kale oo caadi ah. Dhigaalka xarafka
weyni waa waajib in loogu horeysiiyo magac gaar sida: Axmed, Hargeya,
Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, Md. Siilaanyo, Md. Faysal Cali
Waraabe, Kulmiye, UCID, Wasiirka Waxbarashada, Ururka Beeraleyda iwm.
Sidoo kale bilowga weedh ama bilowga eray kasta joogsiga dabadii.
Tusaale: War aanu maanta ka helnay Weriyaha la socda Waftiga
Madaxweynaha JSL Md. Daahir Rayaale Kaahin. Ayaa waxa uu sheegayaa. In
Madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminayo si fiican loogu soo dhoweeyay
Dalka Maraykanka. Kaas oo la mid ah brotokool ahaan. Kan lagu soo
dhoweeyo caadi ahaan Madaxweynayaasha. Soo dhowen ka dib. Waxa
Madaxweynaha loo gelbiyay halkii loogu talo galay in lagu soo dejiyo ee
Qasriga Dawladda.
Muftaaxa midabada qoraalka sare waxa ay kala yihiin sidan:
Casaan = Waxa uu muujinayaa dhigaalka xarafka weyn ee magac gaar ah.
Doogga = Waxa uu muujinayaa dhigaalka xarafka weyn bilowga weedha.
Hadaba marka lagu soo dhowaado macnaha qoraalka, qoraaga iyo qalinka
wanaagsan. Waxa looga jeedaa iyada oo la isla helo qoraal run ka hadlaya
oo qaabkii qoraalku u dhan yahay. qoraaguna uu ka fiirsado waxa uu soo
qorayo iyo waxa ay tahay fariinta uu soo gudbinayo inta aanu
akhirstayaasha u soo bandhigin waxa uu qoray. Waxa kale oo waxaba ka sii
muhimsan buuxinta dhigaalka erayga oo sax ah ( spelling ). Qalinka,
qoraaga iyo qoraalkiisu waxa ay u dhigmaan qofkii kula hadlayay oo
hortaad fadhiya oo xarakada iyo dhaqdhaqaaquba yihiin qaar akhristaha
raali gelin kara ama soo jiidan kara goorta uu qoraalka akhrisanayo.
Waxa dhibteeda leh qoraaga goor walba wax qoraya ee hadana khaladka ka
gelaya qalinka iyo qaabka qoraalku leeyahay. Qof kastaaba waa khaldi
karaa LAAKIIN khaladka qoraalku waxa uu ahaan karaa mid feejigo daro ku
tegay ee ma ahaan karo mid aqoon daro ku tegay.
Waxa aan sir ahayn in la sheego aniga oo ka mid dadka inta badan soo
booqda shabakadaha wararka Af-Somaliga wax ku qora in aan ku kala
jeclaysto shabakadaha ay sida tifaftirayaashoodu u soo bandhigaan
qalinka qoraaga iyo qaabkiisa qoraalka.
Wa Allaahu Al-Muwafaq.
Ducaale Hadal-Wanaje II Top
|