Kalfadhigii 35-Aad Ee Guurtida Oo Si Rasmiya U
Furmay Iyo Shirgudoonka Oo Ku Baaqay In Wefti Loo Diro Gobolada Bari
BADHEEDHA: Dedaalka Cabdilaahi Yare
Muujiyey Garab-gal Buu U Baahan Yahay
Maxay Xukuumadda Uga Cadhootay
Kaalmada Caafimaad Ee Kulmiye Loo Soo Mariyey Dadweynaha?
Hoos-U-Dhaca Qiimaha Lacagaha Qalaad
Oo Sicir Barar Ka Dhalisay Boorama
Kulmiye Oo Ka Hadlay Arimihii
Siillaanyo Iyo Jendayi Frazer Isla Soo Qaadeen
Xisbiga UCID Oo Dhaliilay Qaabka Ay
Xukuumadu U Waajahday Masiibada Ku Habsatay Degaano Ka Mid Ah Gobolka Awdal
Wararkii U Dambeeyay Ee Musharaxnimada
Madaxweynaha Ee Xisbiga
Xukuumadda Oo Komishanka
Doorashooyinka Ku Khasbaysa In Mar Keli Ah Dalka Oo Dhan Diiwaan Gelinta
Laga Bilaabo Iyo Aragtida Mucaaradka Iyo Deeq-Bixiyayaasha
Faylashii sirta ahaa
Ururka Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo
Shirweynahoodii Dib U Dhigay
Sheekadii Boqorka Cajaa’ibka Ah
C/laahi Xasan Budul
Wadaadka Angelinkanka ee dalka
Ingiriiska oo difaacay in muslimiinta dalkaasi ay helaan maxkamad hoose
shareecada islaamka wax ku xukunta
Gabadh Soomaaliyeed Oo Isku Dayday
Afduub Diyaaradeed Dalka New Zealand Oo La Sheegay Inay Qabto Xanuun
Maskaxda Ah
|
|
Kalfadhigii 35-Aad Ee Guurtida
Oo Si Rasmiya U Furmay Iyo Shirgudoonka Oo Ku Baaqay In Wefti Loo
Diro Gobolada Bari |
Hargeysa, February 10, 2008 (Haatuf) – Kalfadhigii 35-aad ee golaha
guurtida ayaa shalay si rasmiya uga furmay xarunta golaha guurtida,
kadib markii muddo 45 maalmood ah ay mudanayaashu fasax ahaayeen ka soo
noqdeen, waxaana fadhigaasi mudanayaasha loogu qaybiyey ajandaha
kalfadhiga 35-aad oo ka kooban lix qodob.
Ku-simaha gudoomiyaha golaha guurtida, isla markaana ah gudoomiye ku
xigeenka 1-aad ee guurtida Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Fure oo furitaankii
kalfadhigaasi khudbad kooban mudanayaasha u jeediyey ayaa sheegay in
kalfadhigii 35-aad ee goluhu si rasmiya u furmay, isaga dhinaca kalena
sheegay in mudadii goluhu fasaxa ku jirayna talaabooyin horumara laga
qaaday xaga siyaasada arimaha dibada, isla markaana socdaalo dibadeed
loogu kala baxay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, isaga hadalkiisa sii
watana waxa uu soo jeediyey inay lagama maarmaan tahay in wefti ka socda
golaha guurtida ay socdaalo ugu kala baxaan gobolada Sool, Buuhoodle iyo
Bariga sanaag, si hawlaha halkaasi ka socda ay uga qayb-qaataan.
Intaas kadibna, waxa mudanayaasha fadhigaasi loogu qaybiyey nuqulka
ajandaha kalfadhiga 35-aad oo ka koban 6 qodob, kaas oo gudoomiyuhu
mudanayaasha ku wargeliyey inay naaqishaad ku soo sameeyaan, fadhiga
maantana doodiisa lagu gudo geli doono. waxaanay qodobada ajandahaasi ka
koobnaa yihiin:
1. Warbixinta guddida joogtada.
2. Xog-ogaal u noqoshada xaalaadka gobolada Sool, Sanaag iyo degmada
Buuhoodle.
3. Arimaha Siyaasadda
b. Gudaha
t. Dibada.
4. Arimaha Nabad-gelyada
B. Gudaha
t. Derisyada
5. Xog-wareysi lala yeesho;
b. Taliyaha Xabsiyada
t. Wasaarada Waxbarashada
j. Wasaarada Caafimaadka
x. wasaarada Arimaha Gudaha.
6. Wax-ka-bedelka xeerka nabadgelyada wadooyinka.
7. Waxyaabo kale (any other bussines).
BADHEEDHA:
Dedaalka Cabdilaahi Yare Muujiyey Garab-gal Buu U Baahan Yahay |
La iskuma hayo in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Cabdilaahi
Maxamed Ducaale (C/laahi Yare) uu hawlo mudakar ah soo qabtay mudadii
sanadka iyo dhawrka bilood ahayd ee uu soo hayay xilka Wasiirka Arimaha
Dibadda, iyada oo mudadaasi kooban uu Cabdilaahi ku guulaystay inuu
xidhiidho diblomaasiyadeed oo faa’iido u leh qadiyada Somaliland iyo
baadi-goobka ay ugu jirto inay aqoonsi ka hesho beesha caalamkaba.
Hawsha ugu muhiimsan ee uu soo qabtay waxa weeye isaga oo tab iyo xeelad
tuu u maraba ka gudbay deyrkii inagaga xeernaa xarunta Midowga Africa
(African Union) ee cadawgu ku khuukhin jirey in hadii Somaliland la soo
daayo ay Afriki kala go’go’i doonto.
Dabcan midowga Afrika wali si rasmi ah umuu aqoonsan Somaliland, balse
waxay hadda iska daayeen dafiraadii qayaxneyd ee ay kula dhaqmi jireen
Somaliland, waxaanay waqtu xaadirkan ogolyihiin inay Somaliland kala soo
xidhiidho suryooyinka iyo daloolada uu Cabdillaahi ka dhex-baneystay
xayndaabkii Somaliland kaga xeernaa inay doodeeda ka dhex dhiibato
xarunta weyn ee ay Afrika isugu timaado ee ku taala caasimada dalka
Itoobiya ee Addis Ababa.
Dedaalka diblomaasiyadeed ee Cabdillaahi Yare waxa uu dhabaha u xaadhay,
isla markaana suurto-geliyey in Madaxweyne Rayaale booqashooyin ku
jibaaxo dalal isdaba daadsan Bariga, Badhtamah iyo Galbeedka Afrika,
kuwaas oo madaxdooda uu Rayaale afkiisa ula tegay, si uu u fahamsiiyo
qadiyada Somaliland iyo gooni-isu-taageeda.
Sababta ay xadhiidhadaa Afrika ay muhiimka u ahaayeen, maadaama
aqoonsiga Somaliland ay lama huraan u tahay in marka hore laga soo
bisleeyo Midowga Afrika.
Arinta weyn ee iyaduna ku timid dedaalka diblomaasiyadeed ee wasaaradda
arimaha dibadu soo hoysay, waxa weeye tan u dambeysay ee madaxweynaha u
saamaxday inuu markii ugu horeysay booqdo dalka Maraykanka iyo Jawaabta
ka soo baxday oo ah inay Somaliland timaado Kaaliyaha Xoghayaha Arimaha
Dibadda ee dawlada Maraykanka u qaabilsan Arimaha Afrika, Jendayi Frazer
oo noqonaysa sarkaalkii xukuumadda Maraykanka ka socday ee ugu darajada
sareeyey ee booqasho hawleed sidan oo kale ah Somaliland ku yimaadda.
Waxa kale oo dedaalada Wasiirka ka mid ahayd wakiilo calculus oo uu
dhowaan u kala magacaabay wadamada Itoobiya, Faransiiska, UK iyo kuwo
kale. Inkastoo ay cadahay in hawsha kowaad ee ay siyaasadda arimaha
dibada Somaliland ku jihaysantahay oo ay bar-tilmaameed u tahay sidii
aqoonsi buuxa dalkan loogu heli lahaa oo beesha caalamka loogu bandhigi
lahaa xaqqa ay Somaliland u leedahay la sinaanshaha iyo ka-mid-ahaanshaha
dalalka caalamka, hadana marka la arko baaxada hawshaasi leedahay waxa
muuqanaysa in wasiirku dedaalkiisa ka sakow u baahanyahay garab-gal iyo
wixii u saamixi lahaa gudashada hawshaasi balaadhan ee inagaga xidhan
duni aad u baahsan oo duruufaheeda kala duwanna leh.
Haddaba, wasiirka iyo xukuumadda Somaliland-ba waxa la gudboon inay
fahmaan in dedaal kasta oo shakhsi ah waxtarkiisu noqonayo mid weyda,
arintanina waa mid qof iyo laba toona, ama xataa xukuumadda oo dhan,
lagu helayn karayn oo aan laga midho dhalin kareyn hadii aan qaranka oo
idili u tafaxaydan oo ahi in aan xisbi, xukuumad iyo wasaarad toona lagu
helaynin, balse qofkasta oo inaga mid ah oo af, adin, adduun iyo aqoonba
tay doonto ha ahaatee, waa mid haddadan uu u baahan yahay wasiirka
arrimaha dibaddu inuu ku faa’iidaysto.
Kolayna ka fursan mayso ambo-qaadka hawshan ictiraaf-raadinta in la
hay’adeeyo (Institutionalization) geedi-socodka ictiraaf-raadinta si
arintan hinjinteeda iyo hore-u-dhaqaajinteed hadba cidddii joogta iyo
hawshii joogta halkaa loooga sii wado.
Sidaas darteed, waxa aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa in aanay shuuqsan
ama siyaasadeyn arinta ictiraaf-raadinta, balse inay fursado u qoondayso
cid kasta oo reer Somaliland oo wax ka riixi karta, taas oo loo mari
karo gole la taliyeyaal ah (Board of Consultants) oo u laba dibleysta
arinta aqoonsiga oo kaliya, kaas oo wasaaradda arimaha dibadda ka
siinaaya talo, tusaale iyo tamarba sidii dalkan loogu heli lahaa
ictiraaf buuxa.
Xukuumaddana waxaanu leenahay waxa waajib ah inay xoog iyo xoolaba ay
nqafta dul dhigto wixii ku baxaya hawlaha dibilomaasiyadeed ee dunida
lagaga xod-xodanayo aqoonsi-u-helista dalka.
Sidoo kale, waxa lama huraan ah in golaha wakiiladdu ay miisaaniyadda ka
fuudh-yeelaan kharashka ku bixi kara hawlaha bar-tilmaameedkoodu yahay
ictiraafka dalka.
Maxay
Xukuumadda Uga Cadhootay Kaalmada Caafimaad Ee Kulmiye Loo Soo
Mariyey Dadweynaha? |
Faallo – Maxamed Cumar, Wariyaha Haatuf Ee Boorama
Somaliland waa dawlad weli ku dhex taalla mandaqadda Geeska Afrika ee ay
ka taaganyihiin xaalado deggenaansho la’aaneed. Inkastoo Somaliland ka
soo gudubtay xaalado adag oo waxyeelayn lahaa nabadgelyadeeda iyo
xasiloonideeda, basle dhinaca kale dawladda haatan ka talisa dalka ayaa
dhinaca dadeynihii soo doortay ka dayrinayaan sida ay wax ku waddo.
Deggenaanshaha Somaliland waxa kale oo uu soo jiitay dalal badan oo
caalamka ka tirsan, kana mid ah kuwa hore-u-maray, kuwaas oo doonaya
inay Dalkan deggen wax la qabtaan, kordhiyaanna maal-gelintooda.
Rajada dalalkaasi ka qabaan inaya Somaliland la yeeshan iskaashi ama
maal-gelin ku sameeyaan, ayaa dhinaca kale waxa kuwa badan ka hortaagan
wararka aan farxadda lahayn iyo ceebaha laga sheegeyo dawladda
Somaliland, kuwaas ama ceebahaas oo maalin walba ku soo baxa bogagga
warbaahinta madaxa bannaan ee dalka ka jirta, kuna dhacaya dhegeha
diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha ajnebiga ah ee dalka jooga.
Waxyaalaha Xukuumadda Somaliland laga sheegeyo, isla markaana aanay
waxba ka qabanayn, ama aanay ceebba u haysan ayaa waxa ka mid ah
maamulka musuqmaasuqu hadheeyey, waxtar la'aanta iyo tayo xumada
wasiirada qaarkood, ku xadgudubka xuquuqda dadweynaha, xadhigga
sharci-darada ah, cabudhinta saxaafadda xorta ah iyo arrimo kale oo
badan.
Arrimahani waxay keeneen in maanta deeqihii ama tabarucaadkii
qurba-joogga reer Somaliland u soo dirayeen dadkeeda lagu sharfo in
axsaabta mucaaradku u gudbiyaan dawladda ama ciddii kale ee u baahan,
taas oo keeni karta dareen hor leh oo la odhan karo in xxukuumadda
Somaliland aan lagu aamini karayn gaadhsiinta deeqahaasi dadkii u
baahnaa.
Tusaale ahaan waxa dhawaantan xisbiga Kulmiye hoggaankiisu u qalab
caafimaad ku wareejiyey wasaaradda caafimaadka Somaliland, si loogu
qaybiyo gobolada dalka.
Deeqda uu xisbigaasi wareejiyey oo ka koobnayd qalabka caafimaadka oo ay
iska soo ururiyeen jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Canada, gaar
ahaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee ee dalkaasi ee u dhashay Gobolka
Awdal; ayaa waxa xitaa ku jiray qalab caafimaad oo loo soo diray
shakhsiyaad reer Awdal ah, si ay ugu adeegaan dadka degaankaasi.
Haddaan wax yar ka taabanno dareenka xukuumadda ee arrintaasi, waxaad
ogaanaysaa in dareenka xukuumadda ee wareejinta deeqdaasi ay ku beertay
cadho aan la koobi karayn. Xukuumadda oo iyadu qalabkan ku darsatay oo
keli ah cashuurtii oo ay ka dhaaftay, ayaa waxay u hanqal taagaysay in
wasaaradda caafimaadku tahay tan keliya ee xaq u leh inay la wareegto
qalabkaasi xisaab la’aan. Laba maalmood ka hor intaan qalabkaasi soo
gaadhin dalka waxay xukuumadda iyo wasaaradda caafimaadkuba heegan u
galeen sidii ay gacanta ugu dhigia lahaayeen deeqdaasi, balse
shakhsiyaad ka wakiil ahaa dadkii qalabkan soo diray ayaa markiiba
gacanta ku dhigay, isla markaana dhigay meel la wada arki karo ilaa inta
xukuumaddu kala wareegayso.
Waxa kale oo intaa dheerayd iyadoo ciidamada amniga ee gobolada Hargeysa
iyo Awdal heegan la geliyey, isla markaana amar lagu bixiyey in
qalabkaasi laga soo faramaroojiyo cidda la sheegay inay hayso ama loo
dhiibay. Taageerayaashii xisbigaasi ee gacanta ku dhigay qalabkaasi ayaa
habeenkii oo dhana laga baadi goobayey magaalooyinka Hargeysa iyo
Boorama, waxana aakhirataankii la ogaaday inay magan galeen xarumaha
xisbiga Kulmiye ee Hargeysa , isla habeenkiina ay qalabkaasi ku
wareejiyeen wasaaradda caafimaadka.
Hawshan lagu hawlgeliyey ciidamada amniga ee gobolada Awdal iyo Hargeysa
ayaa sida la sheegeyo waxa ka dambeeyey agaasimayaasha guud ee
wasaaradaha Maaliyadda iyo caafimaadka, kuwaas oo u dhiibista qalabkaasi
loo dhiibay xisbiga Kulmiye u qaatay ama u ficiltamayey sidii qalab la
xaday ama tuug loo dhiibay ayaa aakhirataankii la sheegeyaa inay
dhigteen bakhaarka weyn ee wasaaradda, isla markaana ay maamulayaasha
caafimaadku diideen inay xitaa iska bixiyaan qayb ka mid ah qalabkaasi
oo ay lahaayeen shakhsiyaad reer Awdal ,oo ehelkoodu uga soo diray
debedaha, lamana oga sida loo gaadhsiin doono qalabkaasi goboladii iyo
degmooyinkii loogu talogalay.
Si kastaba ha ahaatee weerarka xukuumaddu ku qaadday baadigoobka
qalabkaasi, ayaa la sheegeyaa inay dabada ku hayso dhawr arrimood oo
kala:
Waa tan koowaade wareejinta deeqdaasi laga leexiyey masuuliyiinta
dawladda Somaliland oo laf-jab ku noqon karta.
Iyo tan labaad oo ah xaasidnimo iyo cadaawad maamulka dawladdu u hayo
xisbigaasi, isla markaana aanu u oggolayn wax magic iyo martabo ah oo uu
ku heli karo sumcadda aamminimada masuuliyiinta xisbigaasi lagu aamini
karayo deeqiihii jaaliyadaha reer Somaliland, isla markaana shaki gelin
karta daacadnimada xukuumadda ee ku saabsan in qalabkaasi gaadhi karo
dadkii loogu talogalay ee gobolada Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee waa dhacdo kale oo hor leh oo shicibka reer
Somaliland iyo taageerayaasha kulmiye tusayaan xukuumadda inuu
dhammaaday wakhtigii lagu kalsoonaan lahaa in deeqaha jaaliyaduhu
gaadhaan dadkii loo diray iyo in dhexda laga leexsado.
Ilaa imika xukuumadda, gaar ahaanna wasaaradda caafimaadka ayaan ka
hadal falalkii dhacay habeenkii qalabkani soo gaadhaya dalka iyo sababta
loo raadsanayey taageerayaashii Kulmiye ee qalabkaasi loo dhiibay,
waxanse sugi doonaa bal sida xukuumaddu, gaar ahaan wasaaradda
caafimaadka ka yeesho qalabka caafimaadka ee dooda weyn kiciyey.
Hoos-U-Dhaca
Qiimaha Lacagaha Qalaad Oo Sicir Barar Ka Dhalisay Boorama |
Boorama, February 10, 2008 (Haatuff) – Sarrifka lacagaha
qalaad ee magaalada Boorama ayaa markale qiimahoodu hoos u dhacay, halka
qiimaha shilinka Somalilandna uu markale kor u kacay, taas oo durba
markale laga dareemay suuqyada iyo baakhaarada cuntada laga iibsado.
Isbedelkan ama qiimo-dhacan ku yimi lacagaha ajnebiga ah, sida Doolarka,
Birta iyo kuwa kale ee carabta khaliijkaba oo in muddo ah laga raystay
qiima-dhacooda, ayaa markale cabsi ku haya nolosha danyarta iyo kuwa
kale ee dibedaha lagu quudiyaba.
Inkastoo la ogaa in xukuumadda Somaliland dhawaanta isku-dayday inay
hoos u dhigto qiimo bararka maciishadda dadweynaha, balse arrinkeedu ma
dhaafin muddo kooban, sababtoo ah iyadoo maamulka dawladdu waxba ka
beddelin siyaasaddeedii dhinaca ganacsiga.
Sicir-barakan maciishadda iyo waxyaalaha darruuriga u ah nolosha
dadweynaha, sida shidaalka oo kale, ayaa laga yaabaa inay dadweynaha
geyeysiiso cidhiidhi dhinaca nolosha ah, isla markaana hoos u dhigi
karta wax-soo-saarka.
Arintan, ama sicir-babarkan oo awalba ka jiray suuqyda cuntada iyo
shidaalka ayaa la filayaa inuu qiimo babar kale ku soo kordho, taas oo
haddii ay dhacdo ama sii xoogeysato ay yaraan doonto cidda ka
badbaadaysa, isla markaana culays dhinaca ku soo kordhin karta dadkii ku
xoolo beelay roobabkii barafka watay ee dhowaatan ka dhacay Gobolka
Awdal.
Arrimaha loo nisbaynayo inay keeneen sicir-bararkan ayaa dad dhaqaalaha
wax ka yaqaanaa ii sheegeen inay ka mid tahay lacagta shilin Somaliland
ah oo ay dawladdu suuqyada ka sifeynaayso, islaa markaana aanay jirin
lacag kale oo wax lagu iibsan karo oo aan ahayn Doolarka iyo Birta
Itoobiya oo Gobolkan ama Boorama sida aaadka ah looga isticmaalo.
Kulmiye
Oo Ka Hadlay Arimihii Siillaanyo Iyo Jendayi Frazer Isla Soo Qaadeen |
“Waxa La Ogaa In Gudoomiyaha Kulmiye Taageero Iyo Ducaba
Ugu Gudbiyey Madaxweynaha Markii Uu Ameerika Ku Maqnaa”
Warsaxaafadeed – K/Simaha Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Yuusuf Guruuje
Hargeysa, February 10, 2008 (Haatuf) – Xisbiga Kulmiye ayaa ka hadlay
arimihii ay ka wada hadleen gudoomiyaha xisbigaasi Axmed Siilaanyo iyo
kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Maraykanka ee Afrika, Jendayi Frazer
ee dhowaan booqashada ku timid dalka, iyagoo dhinaca kalena jawaab kulul
ka bixiyey warsaxaafadeedkii uu dhowaan soo saaray xoghayaha garabka
siyaasada ee xisbiga Udub, Cumar Jaamac Faarax oo ay ku tilmaameen inuu
been abuur iyo aflagaado ugu geystay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye. Waxa
kale oo ay sheegeen in Siilaanyo kulankaasi ka cadeeyey in aqoonsi
raadinta Somaliland mawqif midaysan oo aan khilaaf lahayn dawlada,
goleyaasha iyo asxaabtuba ay ka wada taaganyihiin.
Xisbiga Kulmiye, waxa uu sidaas ku sheegay warsaxaafadeed uu shalay soo
saaray, kuna saxeexnaa ku-simaha afhayeenka Kulmiye Yuusuf Nuur Maxamed
(Guruuje), waxaana qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:
“Xoghayaha Guddida Siyaasada Xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax
warsaxaafadeed uu soo saaray 6-dii Bishan, wuxuu sheegay in Jendayi
Frazer, kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee dawlada Maraykanku inay
booqashado ku timid wadankeena si ay u aragto xaalada dhabta ah ee ka
jirta dalka.
Haddaba, wuxu yidhi “waxaan aad uga xumahay in aan maanta xuso in
xisbiga Kulmiye kala hadlay weftiga arimaha gudaheena”.
Waxa ayaan-darro ah in masuulkaasi afka xisbiga Udub ka hadlayey uu been
abuur iyo aflagaado u geysto gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, aflagaadada
noocaas ah ee ku waajahan guddoomiyaha xisbiga maaha markii ugu horeysay.
Waxa arintu u eeg-tahay in intaas uun shaqo looga dhigay Cumar Jaamac,
waa ayaan darro inuu maanta sheegto inuu Siillaanyo ka muwaadinsan yahay.
Siilaanyo waa la ogyahay inuu ka hadlay mar walbana si adag oo cad uga
hadlo madax-banaanida Somaliland, horumarkeeda, nabadeeda iyo
midnimadeeda.
Guddoomiyuhu waxa uu kulankaasi ka cadeeyey, hoostana ka xariiqay in
arintaasi aqoonsi raadinta Somaliland, mawqif midaysan oo aan khilaaf
lahayn inay dawlada iyo hay’adaha qaranka oo dhami meel ka wada taagan
yihiin.
Waxa la wada ogaa oo guddoomiyaha Kulmiye taageero iyo ducaba ugu
gudbiyey Madaxweynaha markii uu America ku maqnaa munaasibadii
mudaharaadka ee lagu taageerayay madax-banaanida Somaliland ee dhowaan
shacbigu isugu soo baxay.
Dawalada Maraykanku, iyaga ayaa casuumay xisbiyada mucaaradka ah iyo
Qaran, xukuumadu mana casuumin, inay meesha ka muuqdaana ma jeclayn,
xataa casuumadii Madaxweynaha ee Hotel-ka la wada joogeyna waa ka
reebeen axsaabta. Maraykanku waa wadan dimuqraadi ah, waa wadan
doodihiisa siyaasadeed maalin walba dunida oo dhami kala socoto
warbaahinta.
Waxay mucaaridka ugu yeedheen iyagu ee xukuumadu ugu yeedhay wayday, waa
inay ogaadaan dareenkooda, cuqdada xukuumadu arintaas ka qabtana iyagu
kama qabaan.
Geedi-socodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinku, waxa ugu weyn ee ay
inta badan ka hadlaysay Jendayi Frazer ayay ahayd. Waxa kaloo ay xageena
ula diyaar yihiin inay ka caawiyaan doorashooyinka, horumarinta dalka
iyo wax wada qabsi dhinacyo badan leh.
Malaha Cumar wixii lagu hadlaayey ayaanu aad u fahmin.
Waxaase ugu yaab badan, al aan taxno arimaha uu leeyahay gudoomiyaha
ayaa soo qaaday, ceebna inagu ahayd sida uu isagu u dhigay;
In aan dawladu ku dhaqmin miisaaniyadii baarlamaanku gudbiyey sanadkii
hore.
In xukuumadu is-hortaagtay sharciyada ka soo baxa golaha wakiilada.
In lagu tunto xuquuqal iinsaanka.
In si sharci darro loo xidh-xidho saxaafada.
In si sharci darro ah loo xidhay hogaamiyeyaasha Qaran
In xukuumadu ka dhigtay suuqii ganacsiga xoolaha mid cid gaara u
xidhan (monopoly).
Bal hadaba, waxa la yaab leh, haddii Udub u arkayso in waxaasi ceeb inoo
soo jidayaan maxay ugu dhaqmayaan.
U fiirso Cumar (udub) ma dafirin in waxaasi jiraan, waxa qudha ee ay
leedahay yeynaan sheegin”.
Xisbiga
UCID Oo Dhaliilay Qaabka Ay Xukuumadu U Waajahday Masiibada Ku
Habsatay Degaano Ka Mid Ah Gobolka Awdal
“Waxay Ahayd In Guddi Heer Qaran Ah Loo Saaro”
Warsaxaafadeed |
Hargeysa, February 10, 2008 (Haatuf) – Xisbiga UCID ayaa
warsaxaafadeed ay shalay soo saareen ku dhaliilay qaabkii ay xukuumada
Somaliland ku waajahday dhowaan masiibooyinkii ka dhacay gobolka Awdal,
taasi oo ay tilmaameen inuu qaabkaasi ahaa mid aan fiicnayn, isla
markaana ay haboonayd in guddi qaran oo ka soo waranta baaxda khasaaraha
degaanadaasi loo saaro.
Waxaana xisbiga UCID sidaas ku sheegay war-saxaafadeed ay shalay soo
saareen, uuna ku saxeexnaa Afhayeenka xisbigaasi Xasan Xuseen, waxaanu
qoraalka warsaxaafadeedkoodaasi isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:
“Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxaa u caado ah in Bishiiba
mar uu ka soo saaro xaaladda guud ee dalka warsaxaafadeed waxaanu maanta
ka hadlayaa arrimaha hoos ku qoran:
Qodoblka 1aad:- Masiibadii dhawaan ku habsatay deegaamo ka mid ah G/Awdal
oo ay ku leedeen dad iyo duuniyo fara badan, khasaara culusina ka soo
gaadheen roobabkii qabawga iyo duufaanada watay ee ka da’ay jiidahaas oo
aan hore looga baran Somaliland.
Arrintaas xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in ay u baahnayd in loo wajaho
gurmad Qaran, lana ogaado mugga iyo baaxada iyo saamaynta ay ku yeelatay
bulshoweynta halkaa ku nool.
Waxay ahayd in loo saaro guddi heer Qaran ah oo soo samaysa baahiyaha ka
jira goobahaas, waana laga fiicnaa sida ay xukuumadu u wajahday, wixii
ay meesha geeysayna waxaan ku cabiri karnaa dhiigjoojin ee dhabtii lama
gaadhin.
Waxaa muddooyinkan dambe marka laga eego isbedalka cimilada ee ilaa
hadda la dareemayo jiritankeeda, in ay u baahantahay in loo saaro
aqoonyahano ku xeel dheer isbedalka cimilada hadda si aynu uga
foojignaano bulshadana looga wacyigeliyo.
Qodoblka 2aad:- Muddooyinkan dambe indhaha caalamku waxay ku soo jeedaan
Somaliland mid ina danaynaysa iyo mid inagu aynu danaynaynaba.
Sidaa-darteed waxaa xil inga saaranyahay inaynu ka faa’idaysano aragtida
cusub ee ka soo korodhay aduunka, wax ka bedelnna ku samayno qaab
dhaqankeenii hore kana fugaano wax kasta oo waxyeelo ku ah himiladeena
lana ogaado in iftiinka arrimaha gudaha ka muuqdaa uu hogaaminaayo
arrimaha debeda, waana hooyada soo jiidashaa arrimaha debada marka la
hagaajiyo arrimaha gudaha.
Gebogebo:-
Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu mar labaad ka
tacsiyeenayaa masiibadaas ku habsatay deegaamada ka mid ah G/Awdal,
waana wax ku yimi qaderka Eebe loona baahanyahay in lagu samro,
Ilaahayna talada saarataan cid kasta oo arrintaas wax ka geeysatay Eebe
ha ka abaalmariyo. Wuxuu Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) ku
boorinayaa xukuumadda JSL in arrintaasi ay u waajahdo si Qaran.
Dhinaca kale waxaa xisbiga UCID tilmaamayaa in la dhawro milgaha iyo
sharafta Qaranimada Somaliland, xukuumadduna waa inay la timaadaa
barnaamijkii iyo qorshihii ay ku hagi lahayd Dalka oo ilaa hadda qabyo
ah, raacdana shuruucda iyo xeerarka Dalka u yaala, si loo gaadho
cadaaladd, sinaan iyo horumar”.
Alla Mahad Leh
Afahayeenka Xisbiga UCID ahna
khabiirka arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyada
Md, Xasan Xuseen Maxamed Codyare Top
Wararkii
U Dambeeyay Ee Musharaxnimada Madaxweynaha Ee Xisbiga |
Dimuqraadiga Ah Xaaskii Clinton Iyo Wiilkii Madoobaa Ee Obama Halkay Kala
Marayaan
Washington, February 10, 2008 (Bloomberg) -- Senators Barack Obama iyo
Hillary Clinton ayaa olole balaadhan kaga jira guud ahaanba dalka
Maraykanka, isaga oo mid waliba doonaya inuu noqdo musharaxa xisbiga
Dimuqraadiga Maraykanka uga qayb gelaya tartanka doorashooyinka
madaxtinimada Maraykanka ee la filayo inay dalkaasi ka qabsoonto
dabayaaqada sannadkan.
Waxaana laga qaban doonaa codbixinta guud ahaanba dalka Maraykanka, min
gobolka Washington State ilaa iyo Maine (gobolka ugu galbeedeeya iyo ka
ugu bariyeeya ee Maraykanka).
Ugu yaraan 26 jeer oo la qaaday codbixinta hor dhaca ah ilaa iyo bishii
January, 2008, Obama iyo Clinton waxa dhexmaray loolan adag, kuwaasi oo
mid waliba filayay inuu isagu noqonaya cida noqonaysa musharaxa
madaxweynaha xisbiga dimuqraadiga ah ee doorashooyinka uga qayb galaysa
xisbigaasi.
Obama ayaa la sheegay inuu helay 825 goob doorasho, halka ay Hillary
Clinton-na heshay 839. sida sharcigu dhigayo qofka xisbiga dimuqraadiga
ah ee Maraykanku u dooranayo inuu noqdo musharaxa Madaxweynaha waa inuu
ka helaa 2,025, goobaha doorashada ee 4,049.
Labada musharaxba waxay shalay ka ololeeyeen gobolka Washington, ka hor
intii aanay u baqoolin gobolka Maine. Dadka degan gobolka Washington
State shalay ayay codka bixiyeen, halka ay kuwa Maine-na maanta codkooda
dhiiban doonaan.
Hillary oo la hadlaysay codbixiyayaasha shalay Jaamacadda Maine waxa ay
sheegtay inay wax ka qaban doonto shaqaalaha iyo caafimaadka in ka badan
inta Obama, waxaanay sheegtay inay ka guulaysan doonto xisbiga
Republican-ka (Jamhuuriga) musharaxiisa Senator John McCain
doorashooyinka madaxtinimada ee bisha November.
``Weligiin ka wer-weri maysaan in la iga guulaysto, mana sugi doontaan
oo keli ah jalaska dhicistiisa, waxaanan filayaa inaan cagta cagta u
saari doono McCain” ayay tidhi Hilary oo ka hadlaysay musharaxa haddii
ay ku guulaysato inay xisbiga Dimuqraadiga ku metesho musharaxnimada
madaxtinimada Maraykanka ay iskaga horiman doonaan ee xisbiga
Republic-ka. Waxaanay intaasi raacisay McCain-ka 71-jirka ah ee ka soo
jeeda gobolka Arizona wuxuu sii wadi doonaa uun siyaasadii Bush,
waxaanay Hillary oo laga soo doorto gobolka New York tidhi. “Ma sii
ahaan karno sidan afarta sannadood ee soo socda”.
Hillary Clinton oo ah gabadh 60 jir ahi waxay ololaheeda ku tagtay gobol
kale oo keli ah, inta ka horeysa codbixinta dhammaadka todobaadka, kaasi
oo ah gobolka Virginia oo ah xarunta ololaheeda waxay codbixintu ka
dhici doontaa 12-ka February, iyada iyo gobolka Maryland iyo District of
Colombia oo ay u kala xilsaartay ninkeeda Bill Clinton oo ah
Madaxweynihii hore ee Maraykanka gobolka Luoisiana iyo inanteeda Chelsea
oo ay u xilsaartay gobolka Nebraska.
Hase yeeshee musharaxa la tartamaya Obama, oo ah 46 jir ka soo jeeda
gobolka Illinois, waxa uu doortay inuu booqdo gobolka Nebraska iyo
Louisiana isaga laftiisu, waxaanu halkaasi joogay Feb, 07, gelinkii hore,
isaga oo ka hadlayDugsiga George Washington Carver Elementary School in
New Orleans' 9th Ward, isla markaana dhex lugeeyay in ka badan 350-arday
oo midabo kala duwan leh.
“Mar walba sidan may ahayn, labadii wareeg ee ugu horeeyay John Mccain
wuxuu dul joogsaday George Bush, waanu ka soo horjeestay cashuuraha la
dhimay, waxaanu sheegay inuu mabda’iyan uga soo horjeeda in cashuuraha
laga dhimo dadka Maalqabeenada ah, waqtiga dagaalka lagu jiro, taasina
waa ficilada dadka wadaniga ah in laga horjeesto, dhammaanteena waynu
tixgelinay ereyadan, laakiin wuxuu ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto
dhinacyada ugu xun ee waqtigii uu Bush xukunka hayay, sidaasi darteed
taayiradii waxay u dhaqaaqeen xagga hadalka tooska, sababta oo ah haatan
wuxuu taageerayaa in cashuuraha rasmiga ah la dhimo”.
Obama ayaad dabayaaqadii todobaadkii hore isaga oo la hadlaya
weriyayaasha waxa uu yidhi. “Waxa aan aad u ixtiraamayaa Senator McCain
(Musharaxa Republican) hawshii uu qarankiisa u soo qabtay nus qarni,
laakiin haatan Maraykanku uma baahna hogaamiye ku dhaqa siyaasadii
kildhiga madaxa u gelisay ee hore, laakiin waxay Maraykanku baahan
yihiin inay dhalinyaro cusubi hogaanka qabtaan, taasi oo dib u soo
noolaynaysa wixii gaarka ahaa ee lagu yaqaanay, isla markaana meel
iskugu keeni kara Dimuqraadiga iyo Republican-kaba in la xoojiyo waxa
inaga dhaxeeya, noqda indheer garad aragti fog leh, marka aad
taageeraysan [xaaska] Clinton haddii uu guulaysto [McCain] marka la tago
wakiilada doorashada, taasi waxay la mid tahay wakiiladii doorashada ee
wanaagsanaa waxay waajihi doonaan, in dadkii ay metelayeen ku
yidhaahdaan “Mee inankayagii Obama”.
Xukuumadda
Oo Komishanka Doorashooyinka Ku Khasbaysa In Mar Keli Ah Dalka Oo
Dhan Diiwaan Gelinta Laga Bilaabo Iyo Aragtida Mucaaradka Iyo
Deeq-Bixiyayaasha |
“Xukuumaddu faraha ha kala baxdo Komishanka, kordhin dambena ma jirto
ee maalinta madaxweynaha waqtigu kaga egyahay, haddii doorashadu
qabsoomi weydo, dawlad ku meel gaadh ah ayaa la soo dhisi”
Hargeysa, February 10, 2008 (Haatuf) – Komishanka Doorashooyinka ayaa
todobaadkii hore shaaca ka qaaday in hawshii diiwaan gelinta
codbixiyayaashu diyaar tahay, isla markaana ay haatan wasaaradda
Arrimaha Gudaha wada hadalo kula jiraan sidii ay hawshaasi guda galkeeda
u dhaqaajin lahaayeen, hase yeeshee, sida ay Haatuf u sheegeen ilo
xog-ogaal ah oo u dhuun daloola arrintani ilaa waqtigan xaadirka ah way
taagan tahay, waxaanay caqabadi ka taagan tahay nidaamka diiwaan gelinta
oo ay Komishanka, Deeq bixiyayaasha iyo labada xisbi ee mucaaradka ahi
iskaga aragti yihiin, halka xisbiga talada haya ee UDUB iyo xukuumadduna
aragti taa ka duwan qabaan, arrintani waxay hakisay in la helo
dhaqaalihii ku bixi lahaa diiwaan gelinta codbixiyayaasha, ka dib markii
deeq bixiyayaashu Komishanka ku wargeliyeen in marka hore ogolaansho
looga helo qaabka loo gelayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madaxweynaha
iyo weliba xisbiga UDUB.
“Waxa igu maqaalo ah in habkii la isla gartay ee Komishanka iyo Axsaabtu
isla garteen in diiwaan gelinta loo sameeyo ay xukuumadu caqabad ku
noqotay oo ay lugta jiidayso, sababta oo ah waxa markii hore la isla
gartay in muddo bil gudaheed ah lagu dhameeyo hawsha diiwaangelinta, oo
gobol walba mar laga hirgeliyo diiwaangelinta, hase yeeshee waxa is-hortaagay,
isla markaana shuruud kaga dhigay in hal maalin la wada qabto diiwaan
gelinta codbixiyayaasha xukuumadda iyo Madaxweyne Rayaale, taasina
waxaanu u aragnaa inay tahay mid UDUB iyo xukuumaddu lugta ku jiidayaan,
waqtigana ku luminayaan. Markii hore waxay caqabad kaga dhigeen 25%-kii
ahaa kharashka doorashada ee ay bixin lahaayeen ayay dib u dhigeen,
haatana waxa ay diidan yihiin habkaasi la isla gartay”. Sidaa waxa yidhi,
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo shalay
galabtii khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Haatuf, isaga
oo booqasho ku maraya dalka Ingiriiska.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah oo la socda arrintani Komishanka
Doorashooyinka Qaranku waxay habeen hore mawduucaasi kala kulmeen
Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxaanay madaxweynaha uga
warameen qaabka ay doonayaan inay u fuliyaan hawsha ay qabanayaan ee
diiwaan gelinta codbixiyayaasha oo ay sheegeen inay doonayaan inay ku
dhamaystiraan muddo 45 maalmood gudahood ah, iyada oo marka hore
gobolada oo dhan loo qaybinayo waraaqo foomam ah oo lagu soo buuxinayo
macluumaadka dadka la diiwaangelinayo, ka dibna marka dambe laga
hawlgelinayo ilaa 4000 oo shaqaale ah, kuwaasi oo loo tababaray gelinta
macluumaadka ee aaladda Computer-ka (kombiyuuutar), isla markaana faraha
laga dhigayo qofka marka kaadhka la siinayo, waxaanay shaqaalahaasi ka
hawlgeli doonaan gobol walba muddo shan maalmood ah, ka dibna waxa ay u
gudbi doonaan gobol kale, iyaga oo sidaasi gobol gobol dalka uga
hirgelin doona diiwaangelinta.
Hase yeeshee, waxa ay wararku sheegeen in Madaxweynuhu u yeedhay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isla markaana ay Wasaaradu miiska soo
saartay in diiwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolada dalka oo dhan hal
maalin la wada bilaabo, taasi oo ay Komishankuna sheegeen in shaqaale
badan iyo dhaqaale badani ku baxayo, isla markaana aanay deeq
bixiyayaasha ka caawinayaa ka ogolaanaynin kharashka intaasi le’eeg ee
ku baxaya.
Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Siciid Caddaani Mooge oo aanu
isagana wax ka weydiinay kulanka madaxweynaha iyo Komishanka iyo weliba
arrinta ay isku maandhaafsan yihiin Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo
Komishanku waxa uu yidhi. “Komishanku in diiwaan gelinta gobol gobol loo
qabto iyo in dalka oo laga wada hirgeliyo, isagaa ayaa awood u leh,
xubin ka tirsan Komishankuna waa kii hore ugu sheegay saxaafadda inay
gobol gobol u hirgelinayaan, kulanka Madaxweynaha iyo Komishankana ma
ogi, waxaanse ogahay in Wasaaradda Daakhiliga iyo Komishanku arrintaasi
ka wada hadlayeen, balse Komishanku waa hay’ad madax banaan, dawladduna
wax lug ah kuma laha, wax kastana sida ay u qabanayaan iyaga ayaa og,
waqtiga ay ku dhawaaqayaan in diiwaan gelintu bilaabmaysana iyaga ayay u
taala oo ay ku xidhantahay”.
Hase yeeshee mar afhayeenka la weydiiyay in deeq bixiyayaashu ku xidheen
in xukuumadda iyo xisbiga UDUB ogolaadaan qorshaha Komishanku u dejiyay
inay diiwaan gelinta codbixiyayaashu u qabsoonto, waxa uu ku celiyay in
awoodaasi ay Komishanku leeyihiin, xisbiga UDUB-na aanu isagu wakiil ka
ahay, xukuumadduna arrintaasi u daba fadhido Komishanka doorashooyinka.
Sida ay wararku sheegeen Komishanka Doorashooyinka, Axsaabta Mucaaradka
ah iyo Deeq Bixiyayaashuba waxa ay doonayaan in waddada ay Komishanku
jideeyeen loo raaco diiwaan gelinta codbixiyayaasha, hase yeeshee
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xisbiga UDUB iyagu waxay qabaan mid ka
duwan oo ah in maalin keli ah ay diiwaangelintu dalka oo dhan ka wada
bilaabanto, sababta ay Komishanku habeen hore madaxweynaha ugu tageena
waxay ahayd inuu Wasaaradda ku qanciyo habka ay Komishanku u qoondeeyeen
ee ah in gobol walba waqti cayiman la diiwaangeliyo.
Laakiin sida ay wararku sheegeen Madaxweyne Rayaale, daboolka uga qaadin
Komishanka Doorashooyinka aragtidiisa, hase yeeshee waxa la sheegay inuu
u jan-jeedhsaday xagga Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana la sheegay
inuu Madaxweynuhu ku yidhi, Komishanka anigu talo ayuun baan idin
siinayaa, laakiin arrimahaasi waxa aad kala hadlaysaan oo ay khusaysaa
Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
“Xukuumaddu faraha ha kala baxdo hawl socodka Komishanka ee diiwaan
gelinta iyada ayaa caqabad ku ah oo ma jirto cid inaga caawinaysa
kharashka faraha badan ee ku baxaya in hal mar ay diiwaan gelintu ka
wada bilaabanto dalka oo dhan. Sidaasi darteed waxa aanu u aragnaa inay
xukuumaddu caqabad kaga dhigayso doorashooyinka arrintaasi si ay cimriga
u dheeraysato, waxaanuse u sheegaynaa Madaxweynaha in aanaan anagu
ogolaan doonin in maalin keli ah loogu daro marka ay muddadu ka
dhamaatana haddii ay xukuumaddu faraha kala bixi weydo arrimaha
doorashooyinka, maalinta uu waqtigiisu ku egyahay Madaxweynaha ka dib
waxa la soo dhisi doonaa dawlad ku meel gaadh ah inta doorashada ka
horeysa” ayuu yidhi, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayay arrintani.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo aanu isku daynay in aanu wax ka
weydiino arrintan ayaa ka gaabsaday inay wax jawaab ah ka bixiyaan, hase
yeeshee sida ay todobaadkii hore warbaahinta u sheegeen waxa ay qireen
inay jiraan wada hadalada la sheegay inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha
kala xaajoonayaan mawduuca diiwaan gelinta codbixiyaasha.
“Xukuumaddu iyada ayaa isku feeraarisay Komishanka oo marna UDUB ah, oo
xisbi ahaan Komishankii ula hadlaysa, marna Wasaaradda Arrimaha Gudaha
ah, marna madaxweynaha ah, Deeq Bixiyayaashuna waxay ku xidheen
kharashka doorashada bixintiisa in marka hore la isla wada ogolaado oo
hogaamiyihii dalku ogolaado, haddaba waxa loo baahan yahay in Komishanka
ayaa awood u leh wixii farsamo ah ee loo daayo” Sidaa waxa Haatuf u
sheegay shakhsi xog-ogaal ah oo arrimahan la socda kana gaabsaday in
magaciisa la sheego.
Mar aanu isku daynay inaanu arrinta wax ka weydiino wasaaradda arrimaha
gudaha iyo xisbiga UDUB way noo suurto geli weyday ka dib markii ay
telefoonada qaban waayeen.
Ugu danbayntii siyaasadaasi waxay keentay inay si balaadhan ugu fido
gudaha ciidanka.hadafkuna waxa uu ahaa samaynta kacaanyahano xag jir ah
si ay uga takhalusaan nidaamkii fadhiidka ahaa ee hore.hase yeeshee
kooxdan bacsiyiinta ah looma haysan inay ka tirsan yihiin xisbiga
laftiisa sidaa darteed ayaa wadanku galay xaalada joogto ah oo isdaba
joog ah.aragti ahaan xisbul bacasku waxa uu waayay taageeristii uu ku
lahaa bulshada dhexdeeda sidaa darteed ayaa uu ula kulmay mu’aamaradyo
fara badan oo ay kaga soo horjeedaan awoodaha kale ee siyaasiga ah.
Bishii may ee sanadkii 1963 kii bacsiyiintu waxa ay qaadeen talaabooyin
ay ku tirtirayaan mid ka mid ah muaamaradaha ay hogaaminayeen dadka
taageersan Jamaal cabdi naasir.
1964 kii dadka suniyiinta ah ku kacay nidaamkoodii ay gacanta ku hayeen
dadka laga tirada badan yahay gaar ahaan imaamyadii masaajidada oo u
nisbo sheeganayay ururkii ikhwaanul muslimiinka ayaa ku baaqay in laga
hortago nidaamka xisbul bacaska cilmaaniga ah iyaga oo ugu baaqay
qaybaha kala duwan ee bulshada in ay jihad kala horyimaadaan kooxdaasi
cilmaaniyiinta ah.
Magaalada ximaata oo ka mid ah xarumaha ikhwaan al muslimiinka ayaa la
soo baxay dhamaan noocyada hubka ee ay haysteen.waxaanay bilaabeen in ay
weeraro ku soo qaadaan xubnihii xisbul bacaska,kuwaasi oo tiro badan
kaga laayay muddo maalmo ah gudahood. Talaabooyinkaasi waxa ay keeneen
in xisbigu ciidamadiisa ku amro in ay wadooyinka u soo dhaadhacaaan,ka
dib markii sideed iyo afartan saacadood gudahood laga dilay todobaatan
qof.
Ka dib markii uu gaadhay kacdoonkaasi ay hogaaminayeen ikhwaanku ilaa
xad aad u adag, xisbul bacasku waxa uu bilaabay in uu naftiisa ka
nadiifiyo uun,markaas oo micheal caflaq saalax al baydaal iyo xubno kale
oo ka mid ahaa dadkii aasaasay xisbul bacasku ay ku biireen dawlada.
Arintaasi oo iyana sii keentay in uu laba qaybood oo waaweyn u qaybsamo
xisbul bacaskii kuwaasi oo kala ahaa koox uu hogaaminayay micheal caflaq
oo isagu ahaa kuwa ugu waaweynaa xisbiga iyo koox kale oo hogaaminayo
xaafid al asad.
Hase yeeshee marka la eego micheal caflaq waxa uu rumaysnaa in uu
xisbigu yahay meelaha ugu mihiimsan fikirka iyo saqaafada carbeed sidoo
kale al xaaris as saahir isna waxa uu rumaysnaa in ay haboon tahay
siyaasada iyo ideologiyada dawlada, halka uu xaafid al asad u arkayay in
uu xisbigu yahay hanaan siyaasadeed oo ah in dalka oo dhan wax lagaga
badalo.
Aragtidayda ayaa ay tidhi Sandra maki kala tagsanaanta xaga fikirka ah
ayaa ahayd ayaa ahayd ubucda khilaafka dabada dheeraaday.
Intii lagu gudo jiray jaho wareerka siyaasiga ah ee suuriya, dhalinyar
beero qodoto ah oo ku jiray ciidanka ayaa sameeyay mudaharaadyo
waaweyn.sanadkii 1966kii 23 February,waxaanay qabteen saalax al beydaar
oo ay ku rideen jeelka halka micheal caflaq ay u suurto gasho in uu
baxsado magaalada beyruut,arintaasi oo keentay in ay mar kale sii
cakiranto xaaladii xisbigu.
Intaa wixii ka danbeeyay arimuhu waxa ay gacanta u galeen dadkii
aqaliyaadka ahaa,sida calawiyiinta iyo duruusta hase yeeshee arintu waa
ay sii socotay ilaa ay calawiyiintii meesha ka saareen dadkii duruusta
ahaa,arimihii oo dhamina waxa ay isugu soo wada biyo shubteen daaifada
calawiyiinta loo yaqaan oo xaafid al asad uu ka soo jeedo.
Isla markiiba waxa uu ku dhaqaaqay in uu nadiifiyo cid kasta oo uu ku
tuhmayo in ay wax u maleegayaan ama cadho raagtay, waxaana iskugu soo
hadhay isaga iyo taageerayaashiisii oo kali ah.
16kii November ayaa uu ka nastay dhacdooyinkii isdaba jooga ahaa waxaana
uu ku dhawaaqay in uu la wareegay xukunka dalka.
Kornayl mucamar al qadaafi oo ahaa nin dhalinyaro kacaan yahan ah ayaa
magaalada dimishiq ku yimid booqasho kadis ah si uu u taageero xaafid al
asad kaasi oo uu soo dhoweeyay isaga oo ah madaxweynaha cusub ee suuriya.
Sida muuqata waxa dagay xukunkii dalka waxa uu dhagta si hoos ah ugu
sheegay mid ka mid ah dadka ugu dhow (maxaa aynu u aaminsanayn in ay
adag tahay in dadka la maamulaa.arinku aad ayuu u fudud yahay.kii aan
haysan gaadhi waxa uu doonayaa in uu helo,inaguna waa in aynu siinaa mid
kasta dalabkiisa.hadii aynu sidaa samayno heli mayno cid inala tartanta
oo ina mucaarida,tiro yar oo aan boqol gaadhayn mooyee kuwaasi oo ah
dadka siyaasada sida xooga ah ula socda sidaa darteed waan iska daynaya
jeelasha aan dartood loo dhisayo…).
Hase yeeshee duufaanku waxa uu kaga dhuftay doontii uu saarnaa xaafid al
asad meel aanu dareen sanayn waxaana uu ka war helay adayga uu leeyahay
maamulida dalku. Marka aynu sheekadan dib u eegno waxa inoo muuqanaysa
in uu xaafi al asad iska dhaga tirayay ama uu mooganaa in uu ka tirsanaa
dadka laga tirada badan yahay.waxa uu isku dayay in uu xukunka ku soo
daro dhamaan qaybaha uu dadku ka kooban yahay hase yeeshee waa uu ka
noqday fikirkaas ka dib markii uu ogaaday khatarta ay u leedahay
xukunkiisa.arintaasina waxa ay ku kaliftay in uu talada oo dhan gacanta
u galiyo dadka uu ka soo jeedo ee calawiyiinta.
Intaa ka dib Sandra maki waxa ay soo bandhigaysaa dhacdooyin isdaba joog
ah oo mudo qaatay oo lagaga horjeeday nidaamka calawiyiinta oo ay ka hor
yimaadeen ururka ikhwaan al muslimiin kaasi oo ka turjumayay dareenka
aqlabiyada dadka lacagta leh iyo ganacsatada.
Ururka
Suxufiyiinta Ee SOLJA Oo Shirweynahoodii Dib U Dhigay |
Hargeysa (Ogaal)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa dib u
riixay shirweynihiisii middp 18 maalmood ah, kaas oo ku beegnaa inuu
qabsoomo maanta oo bishu tahay 10/02/08, isla markaana waxa loo mudeeyay
in uu qabsoomo shirwaynahaasi 28/02/08.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal wargalin ah oo ay si wada-jir ah u soo
saareen xubnaha Guddida qaban-qaabada shirweynaha 3aad ee Ururka.
Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee “SOLJA”
Ku xubnaha Ururka
Mudaynta qabsoomida Shirwaynaha
ka dib markii ay xubnaha qaban-qaabada shirweynaha ee Ururka
Suxufiyiinta Somaliland ee “SOLJA” ay shir isugu yimaadeen waxa ay isla
qaateen in muddada uu shirweynaha 3aad ee Ururku qabsoomayo in ay noqoto
28/02/08.
Hadaba waxa lagu wargalinayaa in xubnaha ururku ay sidaasi ula socdaan.
magacyada xubnaha Guddida qaban-qaabada/
1- Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)
2- Xariir Faarax Ducaale.
3- Muuse X. Muxumed (Muuse-inji).
4- Xasan Siciid Yuusuf.
5- Axmed Ismaaciil (Ciro.
6- Cabdi-raxmaan Cismaan Muuse.
7- Cabdi-weli Faarax Jaambiir.
8- Saleebaan Ibraahim (Saleebaan-guray)
9- Cabdi-risaaq Dubad.
Sheekadii
Boqorka Cajaa’ibka Ah
C/laahi Xasan Budul |
Qaybtii: 15-aad
Intaa wixii ka dambeeyay boqorku ilayn xog buu ururinayay oo daraasad ku
samaynayay ogaanshaha amuuraha jinka jasiirada degan, gabadhiisuna waxay
u sheegtay boqorka arrimo badan oo ku saabsan dhaqamadooda iyo
waxyaabaha ku xeeran.
Intaa ka dib boqorku waxa u helay macluumaad jinka ah oo u beryanaaba
baadhayay oo wax badan ka ogaaday.
Maalinta Jinka ay ciiddayaan oo ku beegan beri oo kale ayaa boqorka waxa
gurigiisa loo sii dhigay warqad uu siday nin ka mid ah qolada jinka ah
waxanu u dhiibay gabadhiisa oo yidhi boqorka gaadhsii marka uu yimaado
iyo waayahay, oo odayaasha qoladaasi ay la socodsiinayeen beri iyo
goobta u imanayo ee marti qaadka xuska ciidda jinka ee boqorka lagu
casuumay.
Boqorku markii u gurigiisa yimi waxa dhacday in xaaskiisu isla markiiba
ay u dhiibtay warqadii, ka bacdi markii u furay ee jeexay ee akhriyey
isaga oo Illaahay ka baryaya inuu ka nabad geliyo sharka shaydaanka,
jinka iyo ka insiga, nuxurka qoraalka warqada jinku u soo direen waxa ay
ahayd uun marti qaadka munaasibada beri ay leeyihiin inuu kala soo qayb
galo.
Aroornimadii hore isaga {boqorka}iyo gabdhiisuba waxa ay u diyaar
garoobeen marti qaadka jinku u fidiyeen ka bacdina waxa halkaas ugu yimi
gaadhi yar oo sida dayuurada oo kale u samaysan, marka aanu magaalo dhex
marayna duulla, intaa ka dib markay raaceen cabaar kolkuu la socday ayaa
laga furay albaab weyn oo dhismaha xarunta jinka jasiiradu leeyahay oo
birro macdana ka samaysan, waxanu la dhex galay dhul sida marmarka oo
kale u eeg oo meelo ka mid ahi ciiddii dhulku muuqato oo dhirtii leh.
Intaa ka dib waxa la fadhiisiyey hoolka loogu talo galay martida ee lagu
casuumay dadka xuska kala soo qayb galay.
Maalintaa waxa boqorka iyo haweenaydiisu ku arkeen goobtaa arrimo layaab
leh, markii ka dib markay laba oday oo ka mid ah jinku qudbadihii soo
dhoweynta ciidda iyo soo dhoweynta martida insiga ee kala soo qayb
gashay munaasibada ay jeediyeen ka bacdi ayaa waxa bilaabmay dhoolo tus
jinku ay ugu talo galeen inay dadka daawadsiiyaan oo sida caadada u ah
dhawrkii sanadoodba ciiddan oo kale ay qabtaan taasoo ay uga jeedaan
inay ku cabsi geliyaan dadka sida ay u dhigayaana tahay kolba heerka
farsamadooda qalab casriya soo saaranba inay soo bandhigaan.
Intaa wixii ka dambeeyay markii laga soo dareeray hoolkii qudbadaha laga
jeediyay ayaa jinku waxay durba bilaabeen qaybo ka mid ah bandhig ay
duulimaadyo samaynayaan, oo dadkuna dariiqyada ka daawanayaan, jinku
iyaga oo xidhan kabo birra ah iyo baalal oo garbaha kaga yaala ayay
kabaha birraha ka samaysan meel yar oo loogu talo galay oo badhan ah la
taabanayaa kolkaasay kula ordayaan ka dibna duulaan oo baalashuna kala
baxaan sida shimbiraha duulaya oo kale.
Intaa dabadeed goor duhur ku dhowaad ah ayaa boqorku isaga oo daawanaya
raga duul-duulaya ee jinka ah ilayn kuwan jasiiradani lama mid ahayn
kuwii xagoodii oo kale, wax u daawadaba mar dambe ayuu arkay nin ka mid
ah jinka oo u yaqaanay oo ah kuwa ay isbarteen oo markaa doonayay inuu
duulo, ayuu boqorku jeclaystay inuu isna hawada u baxo oo saaxiibkii la
duulo ka dibna inta uu u soo dhowaaday ayuu ku yidhi ‘waxaan saaxiib
doonayaa inaan kula duulo ee ka waran”kolkaasu u celiyey, waxba ma leh
ee waxaad yeelaysaa inta u kabo birro khafiifa ka samaysan u dhiibay
ayuu ku yidhi “gasho kabahan waxay kuu fududaynayaan duulista, bacdina
aniga raadkayga soo raac.
Boqorku sidii buu sameeyay in masaafad ah oo sii fogayn markuu raadkii
ninka jinka ah daba socday ayuu gaadhay ninkii oo meel taagan oo sugaya.
Ka dib ayuu ninkii boqorka ku yidhi “labada baal ee garbahayga ku
dhegsan dhexdooda gacmahaaga ku qabso lugahana saar birahan , indhahana
isku qabo ilaa aan ku idhaahdo kala qaad mooyee, mana hadli kartid
haddii aad iska hadasho intaa aan hawada ku jirno duulimaadka ayaa iga
xumaanaya oo xaga dhulka ayaynu dhacaynaa, weliba hadalada qaarkood
hadaad ku hadasho khatar bay nagu yihiin oo afkaba soo mariso.
Arrimahaa markuu u sheegay ka dib ee hawada galeen ayaa boqorku indhaha
kala qaaday waxanu arkay iyaga oo meel sare maraya, hareehahoodana
socdaan oo hawada dhex sabaynayaan kuwo kale oo jin ahi, saacad in yar
la’ markay hawada ku jireen ayuu boqorku xaga dhulka hoos u soo eegayaa
waxana u arkay dhulkii oo ka fog.
La soco
Wadaadka
Angelinkanka ee dalka Ingiriiska oo difaacay in muslimiinta dalkaasi
ay helaan maxkamad hoose shareecada islaamka wax ku xukunta |
London, February 10, 2008 (WNT) – (Haatuf) – Baaderiga Mad-Habta
Angelinkanka ee dalka Ingiriiska Dr Rowan Williams ayaa difaacay
xuquuqda dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Ingiriisku inay helaan
maxkamad shareecada Islaamka wax ku xukunta.
Wadaadkan oo lagu magacaabo Dr Rowan Williams, waxa kale oo uu intaas
ku daray in guud ahaan dadka muslimiinta ahi ay helaan maxkamad hoose oo
arimahooda ku go’aamisa sharciga Islaamka, mana ah in la cabudhiyo.
Arintaan oo muran siyaasadeed dhalisay dalka Ingiriiska ayaa dadka
diidani sheegeen in DR Williams uu galay siyaasad aan ka dhinac shaqayn
karin laba sharci oo iska soo horjeeda, tanina ay meel ka dhac ku tahay
sharciga u dhigan dalka Ingiriiska iyo kaniisada uu ka taliyo.
Mar Muslimiinta Ingiriiska arinta wax laga weydiiyey ayaa inta badani
aad u soo dhoweeyeen, waxaase arintaa mid aan haboonayn ku tilmaamy
shaqsiyaad siyaasada iyagu ku jira, waxaana ka muuqatay inayna ku
qanacsanayn hadalka ka soo yeeray Dr Williams, iyadoo uu jiro dareen ah
inuu ku yaryahay fahanka diinta islaamka.
Arintaa ayaa sidaas oo kale hore waxaa u soo jeediyey Maayorka
magaallada London King Livingston oo ay isaga muslimiinta London aad
isugu dhow yihiin, inta aanu masuulka Lamparka Palace ka dhawaajin,
waxaana dadka Ingiriisku ka cabsi qabaan in shareecadu ay u soo talaabto
dhanka Yurub dhaqamduna ay is-hirdiyaan, waxaana iyana ay qabaan in
dadku ku kala go' doomayaan dhaqan guurna uu ku dhacayo dalalka Yurub,
waxaa kale oo ay ka cabsi qabaan in tani wax u dhimayso is dhexgalka
bulshooyinka Muslimka iyo reer Yurubka aan muslimka ahayn.
Aqoon yahayn Muslim ah oo lagu magacaabo DR Dariq Ramadam ayaa isagu
qaba in sababta uu Wadaadka Angelican-ku u soo qaatay arintaan ay tahay
inuu qaybna ka qaato qaybna ka tago diinta islaamka,waxaase isagu aad u
soo dhoweeyey mid ka mid ah iimaamada dalka Ingiriiska uga magaca dheer.
BBC-da ayaa Kaniisadu ku tilmaantay inay arinta buun buunisay iyadoon
hoos u eegin arinta wadaadka kaniisadu uu ka hadlay iyo sharraxadii uu
ka bixiyey,waxaana ay sheegeen inay laab la kac ku sheqeeyeen, iyadoo
BBC ay soo soo daysay qoqobka u dhexeeya muslimiinta iyo galbeedka oo ah
shareecada oo aysan iskeeni karin waxaana ay tusaale u soo qaateen dilka
shareecada ee laga fuliyo dalka Saudiga iyo gobolo ka tirsan
Nigeria,sawirada foosha xumaa ee laga sameeyey nebiga (SCW) iyo haweenay
dhowaan lagu xiray dalka Sudaan.
Dalalka galbeedka qaarkood ayaa leh maxkamado hoose oo ay muslimiintu ku
maamushaan xeer hoosaadkooda sida guurka furiinka iyo dhaxalka,iyadoon
maxkamadahaasi aysan awood u lahayn inay fuliyaan xukun wey sida dil iyo
ciqaab,waxaana ka mid ah dalalka laga isticmaalo dalka Canada.
Gabadh
Soomaaliyeed Oo Isku Dayday Afduub Diyaaradeed Dalka New Zealand Oo
La Sheegay Inay Qabto Xanuun Maskaxda Ah |
Christchurch, February 10, 2008 (Haatuf) - Gabadh Soomaaliyeed ah oo
isku dayday inay diyaarad ka afduubto dalka New Zealand ayaa la sheegay
inay maskaxda ka xanuunsanayso ka dib markii la horkeenay maxkamad ku
taala meesha magaceeda Christchurch Court.
Gabadhan oo magaceeda la yidhaahdo Caasha Cabdile, da’deedana lagu
sheegay 33 jir waxa la sheegay in lagu soo eedeeyay dambiyad ah isku day
afduub, halis gelin iyo dhaawac, kuwaasi oo haddii ay ku cadaato ay ku
mutaysan karto in lagu xukumo xabsi daa’im.
Waxa kale oo la sheegay in sidoo kale lagu soo eedaynayo ruux dumar ah
oo ka mid ahayd lix rakaab ah oo saarnaa diyaaradaasi oo ay iyadana
dhaawac u geysatay.
Waxa la sheegay inay gabadhani mindi ku weerartay duuliyihii diyaaradda
Beechcraft Aircraft, isla markaana ay ka dalbatay inuu duulimaadkiisa ku
tago dalka Australia.
Hase yeeshee Kabtanka diyaaradda 19-ka qof qaada ayaa lagu amaanay
xirfad yaqaanimada uu diyaarada ku fadhiisiyay intii lala tacaalayay
gabadhaasi.
Waxa la sheegay inuu haatan caafimaadkiisu soo wanaagsanaanayo, ka dib
markii cusbitaalka Christchurch uu ka galay dhaawacyo ka soo gaadhay
labadiisa gacmood.
Maxkamadda la horgeeyay Caasha Cabdille ayaa amartay in aan la daabicin
magacyada duuliyayaasha iyo magacyada dadkii rakaabka u ahaa diyaarada
afduubkeeda loo haysto Caasha.
Dhacdadani waxa ay keentay in baaqyo badan laga soo saaro in la adkeeyo
ammaanka diyaaradaha iyo madaarada gobolada.
Garoonka diyaaradaha ee degmada Christchurch ayaa ugu yaraan laba
saacadood la xidhay, ka dib markii ay diyaarada Caasha isku dayday inay
afduubtaa soo fadhiisatay, waxaana isku xeeran bileyska ka hortaga
waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo ka raadinayay inay ku jiraan waxyaabaha
qarxaa, laakiin markii la baadhay waxa la ogaaday in aanay jirin haba
yaraatee walax waxyaabaha qarxa ahi.
Waa markii ugu horeysay ee inta taariikhda la ogyahay qof Soomaali ahi
isku dayo inuu diyaarad afduubo, waxaanay tani walaac ku abuurtay
bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan wadamada Australia iyo New Zealand,
hase yeeshee masuuliyiinta qawmiyadaha u qaabilsan wadamadaasi ayaa
sheegay in aan dadka isirkoodu Soomaaliga yahay loo ciqaabin dambi qof
keli ahi galay.
Top
|